Hoggaan Cusub Oo Loo Doortay Guddida
Xog-Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Iyo Hawlaha Horyaala
Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda UK Oo Sheegay
Inay Riyaale Kala Hadleen Arinta Qaran iyo Xuquuqda Aadamaha
Mid Ka Mid Ah Dablayda Afduubkii
Salaasadii Ee Gobolka Sanaag Oo Tibaax Ka Bixiyay Halkii Laga Soo Diray
Madaxweyne Rayaale Iyo Suldaanka Guud
Ee Bariga Sanaag Oo Kulan Gaara Ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyada
Ururada Samafalka Ee Wadaniga Ah Oo
Cambaareeyay Falkii
Afduubka Sarkaalka Hayda GAA, Hambalyeeyayna Ciidamada Qaranka
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Kaga
Jira Sanaag Oo Ku Baaqay In Guddi Xaqiiqo-Raadina Loo Diro Afduubkii Ka
Dhacay Gobolkaasi
Bush Oo Shaaca Ka Qaaday Gargaarka
Dalkiisu Siin Doono Afrika
Ururka Dhismaha Jidka Boorama Dila Oo
Shalay Shir Albaabadu U Xidhanyihiin Isugu Yimid, Iyaga Oo Ka Walaacsan Sida
Aanay Ganacsatadu U Bixinin Lacagihii Laga Filayey
Xubno Ka Tirsan Masuuliyiinta Laamaha
Dawladda Degmada Saylac Iyo Kooxo Ay Wateen Oo Shalay Boobay Raashin Yaallay
Dugsiga Dhexe Ee Degmadaas, Dhaawacyana U Geystay Maamulihii Dugsigaasi
Xukuumadda Somaliland Oo Muddo Laba
Sannadood Ah Hortaagan Idaacad Wax Lagu Bari Lahaa Ardayda Saxaafadda Ka
Barata Jaamacadda Hargeysa
Dawladda Hoose Iyo Afar Hay'adood oo
Caalamiya, Qaar Ka mid Ah Ururrada Waddaniga Ah Oo Isla Meel-dhigay Kor U
Qaadida Adeegyada Toban Degaan Oo Boorama Ah
Qalfoofka Fiidmeer 52 Milyan Oo
Sannadood
Horteed Noolayd Iyo Xidhiidhka Ay La Leedahay Ta Maanta
Faluuja
Milicsiga Website-Kii Ugu Horeeyay Ee
Ay Dadka Soomaalidu Ku Yeeshaan Internet-Ka
Maraykanka Oo Qorshaynaya Inuu Toogto
Satellite Wax Basaasa Oo Dhulka Ku Soo Dhacaya
|
|
Hoggaan Cusub Oo Loo Doortay
Guddida Xog-Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Iyo Hawlaha
Horyaala |
Hargeysa, February 15, 2008 (Haatuf) Hoggaan cusub ayaa loo doortay
09/02/2008 guddida Xog-Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland (ICT
National Information Committee ‘NIC’).
Xubnaha guddidaasi NIC ayaa waxa ay Gudoomiye u doorteen Muniir C/laahi
(Abusite), oo ah mulkiilaha shirkadda STC, halka ay Gudoomiye ku
xigeenka koowaadna u doorteen Xasan Xiis oo ah xidhiidhiyaha qaybta
saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa.
Gudoomiye ku xigeenka labaadna waxay u doorteen inuu noqdo Xasan Bul-Bul
oo ah Mulkiilaha Hoteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa.
Guddida Qaranka ICT Somaliland waxa la sheegay inay ka kooban yihiin 15
xubnood, isla markaana waxa ay ku yimaadeen hab is-abaabul ah, waxaanay
socotay in muddo ahba sidii loo aas-aasi lahaa, iyada oo hay’adda UNDP
dusha kala socotay sidii loo dhisi lahaa guddidaasi.
Inkasta oo aanay jirin hab la isla ogyahay oo ay guddidani ku timid,
haddana waxa ay ahayd bishii November ee sannadkii 2007-kii, markii
sarkaalka u qaabilsan hay’adda UNDP barnaamijka ICT-ga oo magaciisa la
yidhaahdo Tom Muyunyasa iyo wefti saddex xubnood ah oo uu hogaaminayaa
booqashada ku yimaadeen Somaliland, isla markaana kulamo kula yeesheen
Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa qaar ka mid ah shirkadaha
Isgaadhsiinta ee dalka ka hawlgala.
Intii waqtigaasi ka dambaysay waxa jiray shirar iyo kulamo doceed oo ay
UNDP Hargaysa, waxaana 20-22-kii bishii January 2008, lagu qabtay kulan
hawleed ay ka soo wada qayb galeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh
ICT-gu, waxa kale oo iyaguna halkaasi joogay 13 xubnood oo kulan
doceedyadii hore loogu soo xulay inay noqdaan Guddida ICT-ga Qaranka
Somaliland.
Hase yeeshee waxa ay ahaayeen ku meel gaadh, waxaana la filayay in kulan
hawleedkaasi lagu soo ogolaado in tirada xubnaha guddidaasi la kordhiyo,
isla markaana door muhiim ah laga siiyo warbaahinta.
Si kastaba ha ahaatee, Hoggaankan cusub ee ICT-ga loo doortay 09/02/2008
ayaa waxa sugaya xalinta khilaafaadka dhinacyada ku lugta leh ICT-ga,
iyo sidii ay u maamuli lahaayeen lacag lagu sheegay in qadarkeedu ku
dhaw yahay 9 milyan oo ay hay’adda UNDP u hayso barnaamijka horumarinta
ICT-ga.
Sidoo kale, waxa hortaala arrin kale oo muhiim ah oo la xidhiidha
deeqdan ICT-ga horumarintiisa loogu talo galay oo markii deeq
bixiyayaasha laga soo qaadayay lagaga soo qaaday magaca dalkii la isku
odhan jiray Somaliland, laakiin ay hay’adda UNDP damacsan tahay inay
saddex meelood ugu qaybiso dalkii la isku odhan jiray Somalia, kuwaasi
oo kala ah Somaliland oo meel ah, Puntland oo meel ah iyo Koonfurta iyo
Badhtamaha oo meel ah, haddii ay qorshahaasi ka ogolaadaan xubnaha cusub
ee hogaaminta ICT-gu hay’adda UNDP, taasi waxa ay meel ka dhac ku
noqonaysaa qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, waxaanay ogolaanaysaa
barnaamijka ay wadato UNDP ee ay ku doonayso in ay Somaliland kaga
dhigto maamul goboleed hoos taga dawladda Imbagathi ee Somalia.
Wasiir Ka
Tirsan Xukuumadda UK Oo Sheegay Inay Riyaale Kala Hadleen Arinta
Qaran iyo Xuquuqda Aadamaha |
“Aad Baan U Taageersannahay In Somaliland Lala Shaqeeyo, Balse Maaha In
Aynu Ka Aamusno Markay Khalad Weyn Sameeyeen” Lord Avebury
“Joojin Mayno Ee Waxaanu Weydiin Doonaa Inay Ka Soo Baxaan Waajibaadka
Ay Leedahay Dawladnimada Ay Sheeganayaan Ee Ay Doonayaan In La Ictiraafo”
Wasiirka Afrika Ee Malloch Brown
Sarkaal Sare oo ka tirsan Xukuumada Britain ayaa dhowaan shaaca ka
qaaday in dawlada Britain ay Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale kala
hadashay arinta xadhigii madaxda ururka Qaran iyo arrimaha xuquuqal
iinsaanka.
Sarkaalkan oo ah Wasiirka Xukuumada u qaabilsan arrimaha Afrika ee
magaciisa la yidhaahdo Malloch Brown, waxa uu sheegay in Mr Riyaale kula
kulmay magaalada London markay taariikhdu ahayd January 8, 2008, isla
markaana u muujiyey siday dawladiisu uga walaacsan tahay xad-gudubyada
ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha, iyo sida loola dhaqmay xubnaha ururka
Qaran.
Malloch Brown, waxa kaloo uu sheegay in deeq-bixiyeyaashu kaalmada ay
siinayaan Somaliland loogu sar-goyn doono kolba inta u leegyahay
horumarka ay ka sameeyaan dimuqraadiyada.
Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ku adkeeyey oon
hoosta ka xariiqay in deeq-bixiyeyaashu sii wadi doonaan mucaawinada ay
siiyaan Somaliland oo ay ka mid tahay Taakuleynta doorashadu, iyada oo
mucaawinadaas ay ku xidhan tahay kolba horumarka laga gaadho u
hogaansanaanta hanaanka dimuqraadiyada”.
Waxay ahayd bishii November 2-deedii, markii Lord Avebury oo ah
guddoomiye ku xigeenka guddida xuquuqal iinsaanka ee aqalka sare ee
Baarlamaanka UK uu qoraal uu kaga hadlayay xadhiga madaxda qaran u direy
Wasiir Malloch Brown, isaga oo ka dalbanayey in xukuumada UK si deg-deg
ah wax uga qabato arintaas.
Lord Avebury 26 December ayuu hadana qoraal kale u direy wasiirka
arrimaha Afrika, iyada oo uu u muujinayey siday uga naxeen, isla
markaana uu uga walaacsan yahay “Inqilaabkii ay xukuumadu kula wareegtay
ururkii Shuro-net”, taas oo cadaynaysa inay cidhiidhiga iyo cabudhinta
lagu hayo xariyatul-qawlkii ayuu yidhi Lord-ku.
Lord Avebury wuxuu xubin ka yahay guddi ka kooban xildhibaano ka tirsan
baarlamaanka UK oo u ololeeya qadiyada Somaliland, iyada oo xubnaha
guddidaasi ka soo kala jeedaan saddexda xisbi ee ugu waaweyn dalka UK.
Lord Avebury qoraalkii uu u direy Wasiir Malloch Brown waxa uu ku yidhi:
“Waan ku faraxsannahay in aynu gacan siino oo dhiiri-gelino
dimuqraadiyada Somaliland, laakiin waxaan isweydiinayaa tolow ra’iisal
wasaaruhu Madaxweynaha ma kala hadlay xayiraada ilaa hadda saaran ururka
siyaasiga ah ee Qaran ee sadexdiisa hogaamiye sida sharciga baalmarsan
loo xidhi jirey.
Aad baan u taageersannahay in Somaliland lala shaqeeyo, balse maaha
inaynu ka aamusno markay khalad sameeyaan”.
Haddaba, Malloch Brown oo arimahan dhowaan ka hadlay ayaa sheegay in uu
aad ula socon doono arimaha ka jira Somaliland, isla markaana ay
saraakiisha wasaarada kaalmada dibadaha ee UK (DFID) iyo deeq
bixiyeyaasha kale ee reer Yurub ay iyaguna ka war-hayn doonaan xaalada
arimahaasi, waxaanu yidhi “waanu sii wadi doonaa in aanu la shaqayno
maamulka Somaliland, anagoo dhiiri-gelinayna oo taageerayna wixii
horumara, isla markaana joojin mayno ee waxaan weydiin doonaa inay ka
soo baxeen waajibaadka ay leedahay dawladnimada ay sheeganayaan ee ay
doonayaan in la ictiraafo”.
Mid Ka
Mid Ah Dablayda Afduubkii Salaasadii Ee Gobolka Sanaag Oo Tibaax Ka
Bixiyay Halkii Laga Soo Diray |
Ceerigaabo, February 15, 2008 (Haatuf) - Xasan Salaad Faarax oo ah
dirawalkii gaadhiga u waday kooxdii afduubtay sarkaalka Jarmalka ah ee
hay’adda GAA ayaa laga soo weriyay inuu sheegay in laga soo diray
magaalada Boosaaso ee dekeda u ah maamul goboleedka Puntland ee dalka
Somalia.
Mr. Salaad oo la sheegay inuu 22 jir yahay ayaa sida ay ka soo weriyeen
saraakiisha bileyska ee gobolka Sanaag, waxa uu ka soo jeedaa deegaanka
magaalada Boosaaso, inkasta oo ay qaar ka mid ah dadkiisu ka soo jeedaan
deegaamada xadka Somaliland iyo Somalia.
Taliyaha Qaybta Bileyska gobolka Sanaag C/Raxmaan Ibraahim Maxamuud iyo
taliyaha saldhiga saddexaad ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka
Sanaag, Muuse Jaamac Deelaaf ayaa shir jaraa’id oo ay xalay caweysinkii
wada jir ugu qabteen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxa
ay ku sheegeen in Xasan Salaad Faarax iyo afar nin oo kale ay ciidamada
qalabka sida ee Somaliland ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan,
ka dib markii ay dadka deegaanka Waqaderiya oo 28km u jirta magaalada
Laasqoray ay Ciidanka Qaranku markii hore gacanta ku dhigeen Xasan
Salaad Faarax habeen hore . Iyada oo ay afarta nin ee kalena dadka
deegaanku markii ay qabteen ay ku wareejiyeen ciidamada bileyska iyo
Milateriga Somaliland ee gobolka Sanaag oo ku hareeraysnaa deegaankaasi,
ka dibna wado xumo iyo dhulka oo wada buuro ah ay waqti ku qaadatay in
la soo gaadhsiiyo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Inkasta oo ay ninka Dirawalka ah oo ay bileysku doraad dhaawaceen, isla
markaana habeen hore soo qabteen ay saraakiisha bileysku ka soo weriyeen
inuu u sheegay in laga soo diray Boosaaso, haddana saraakiisha ciidamada
ee shirka jaraa’id qabtay way ka war-wareegeen inay si toos ah u
sheegaan in nimankan laga soo diray Boosaaso, waxaanay sheegeen in aanay
ka hordhacaynin Baadhista, balse waxa ay qireen in kooxdan afduubku ka
dhicisoobay ay doonayeen inay madax furasho ku doontaan ninka ay
afduubeen ee Jarmalka ahaa.
Sidoo kale, ku simaha Badhasaabka Gobolka Sanaag, C/Casiis Xasan oo
isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay dawladu baadhis
weyn ku samayn doonto falkaasi, halka laga soo abaabulay iyo cidii soo
abaabushayba.
Afarta nin ee ay ciidamadu shalay soo qabteen ayaa la filayaa inay soo
gaadhaan magaalada Ceerigaabo habeen badhkii xalay, waxaana ka hortegay
taliyaha qaybta bileyska gobolka Sanaag, C/Raxmaan Ibraahim, wax yar ka
dib markii uu shalay galabtii shir jaraa’id ku qabtay Ceerigaabo.
Ku xigeenka Badhasaabka iyo labada taliye ciidan ee gobolka Sanaag waxa
ay shirkaasi jaraa’id kaga dhawaaqeen in duhurnimadii shalay la soo
gebagabeeyay hawlgalkii lagu soo qab-qabnayay dablaydii afduubka ku
kacday iyo soo badbaadinta sarkaalkii ay qafaasheenba.
Waxa kale oo ay saraakiishani u mahad naqeen dadka deegaanka Waqaderiya
iyo guud ahaanba gobolka Sanaag iyo Somaliland gacantii ay ka geysteen
fashilinta falkaasi.
Madaxweyne
Rayaale Iyo Suldaanka Guud Ee Bariga Sanaag Oo Kulan Gaara Ku
Yeeshay Qasriga Madaxtooyada |
Hargeysa, February 15, 2008 (Haatuf) – Suldaanka Guud ee Beesha Bariga
Sanaag Suld. Siciid Suld. C/salaam iyo wefti u hogaaminayo oo horaantii
bishan socdaal ay kaga soo kicitameen magaalada Ceerigaabo ee gobolka
Sanaag ku yimid Hargeysa, ayaa la sheegay inay shalay qasriga
Madaxtooyada kulan gaara ku wada yeesheen Madaxweyne Rayaale.
Sida ay tibaaxeen ilo xog-ogaal oo ku dhowdhow Madaxtooyada waxay
Madaxweyne iyo Weftiga Suldaan Siciid kulankaa kaga wada hadleen arimo
ku saabsan degaanada Bariga Sanaag iyo Duruufaha ka taagan wakhtigan
xaadirka ah.
Suldaanka Guud ee bariga Sanaag oo Wergeyska Haatuf wax ka weydiiyey
ujeeddada kulankii shalay dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Rayaale iyo
ujeeddada socdaalkaba, ayaa waxa uu Suldaanku ka cudur-daartay inuu wax
tafaasiil ah ka bixiyo ujeeddada weftigiisa. Waxaanu sheegay in dhinaca
warbaahinta weftigooda uu u qaabilsan yahay afhayeen gaar ahi, sidaas
darteedna aanu isagu diyaar u ahayn inuu wax hadala ka yidhaahdo arimaha
weftigiisa, balse waxa uu sheegay in aanu afhayeenkaasi oo lagu
magacaabo Siciid Bidaar la xidhiidhno.
“Weftiga aan hogaaminayo waxa uu leeyahay afhayeen, socdaalkayagana
isagaa warbixin idinka siin doona ee la xidhiidha, laakiinse waa socdaal
la mid ah socdaaladii hore ee aan ku iman jirey caasimada” sidaana waxa
yidhi Suldaanka mar uu arintaas ka hadlayay. Hase yeeshee, dhawr jeer oo
aanu isku daynay in aanu xidhiidh la yeelano afhayeenka weftiga bariga
Sanaag ayaanay noo suurto-galin, balse socdaalkan waxaa la sheegay in ay
Suldaanka ku weheliyaan afar xubnood oo kale oo isugu jira xubno
saraakiil iyo siyaasiyiin isugu jira oo ka soo jeeda beeshiisa, taasi oo
aan la ogayn ujeeddada dhabta ee socdaalkooda iyo arinta ay Madaxweynaha
ka wada hadleenba.
Ururada
Samafalka Ee Wadaniga Ah Oo Cambaareeyay Falkii
Afduubka Sarkaalka Hayda GAA, Hambalyeeyayna Ciidamada Qaranka |
Hargeysa February 15, 2008, (Haatuf) – Ururada samafalka wadaniga ah ee
Somaliland ayaa cambaareeyey falkii afduubka ahaa ee sarkaalka hay’adda
German Agro Action ‘GAA’ Mr. Daniel Bronkal ee Sanaag.
Waxa kale oo ay ururada wadaniga ahi hambalyo iyo bogaadin u dirayaan
xukuumadda, ciidanka Qaranka, ciidanka bileyska, shacbiweynaha ku dhaqan
gobolka Sanaag sidii wanaagsanayd ee degdegsiimada lahayd ee loogu
gurmaday sarkaalkaa in dib loogu soo celiyo hawshiisii.
Ururadan oo metelayay dhammaan ururada bulshada Somaliland waxay kala
ahaayeen Candlight, NAGAAD, COSONGO, CCS, Doses of Hope, CCBRS iyo
Xaqsoor, waxaanay warsaxaafadeed ay shalay soo saareen ku yidhaahdeen.
“Marka hore Ilaahay ayaa mahad leh, marka xigta waxaanu salaam u
diraynaa shacbi weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, gaar
ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Sanaag.
Annagoo ah ururada samafalka wadaniga ah (NGO’s), kana mid ah bulshada
Somaliland, qaybaheeda daneeya, nabadda, horumarka iyo wax kasta oo
danta bulshada ah, waxaanu si aah kala hadh lahayn uga xunahay falkii
foosha xumaa ee afduubka ahaa ee lagula kacay hawl wadeenka hay’adda
samafalka caalamiga ah ee German Agro Action (GAA). Mr. Daniel Bronkal,
kaas oo ku guda jiray waajibaadkiisii shaqo.
Qodobada warsaxaafadeedka:-
1. Cambaarayn:- Waxaanu si aan kala hadh lahayn u cambaaraynaynaa
afduubka lagula kacay Mr. Daniel oo ka tirsan hay’adda samafalka
caalamiga ah ee German Agro Action, ahaana faldambiyeed bini’aadminimada
ka baxsan. Falalka noocan oo kale ah oo aan lagu dayi karin Somaliland,
una noqonaysa digniin iyo hungow cid kasta oo hawaysanaysa inay ku
kacaan falkan oo kale. ma tii Dhoqoshay ayaynu ogayn, ma tii Hargeysa
ayaynu ogayn, ma tan Ceerigaabo ayaa quus gooyadii u dambaysay ah.
2. Bogaadin:- Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa xukuumadda
Jamhuuriyadda Somaliland, ciidanka Qaranka, ciidamada bileyska, iyo
shacbi weynaha gobolka Sanaag, sida degdegsiimada iyo xilkasnimada leh
ee ay uga jawaabeen, uguna guntadeen sidii hawshaas loo soo afjari lahaa.
3. Codsi: - Waxaanu codsi balaadhan u diraynaa hay’adaha UN-ta, kuwa
caalamiga ah, NGO-yada iyo cidkasta oo gobolka ka hawl geli jiray in
aanay ku keenin wax saamayn ah, hawshoodiina sidii iyo si ka fiican uga
sii wadaan gobolka iyo qaybaha kale ee dalkaba.
Sidoo kale waxaanu codsi kaa la mid ah u diraynaa shacabka gobolka
Sanaag iyo shacab weynaha Somalilandba inay ka qayb qaataan nabadgelyada
iyo horumarka wadanka guud ahaan iyo gaar ahaanba”.
Xildhibaanada
Golaha Wakiilada Kaga Jira Sanaag Oo Ku Baaqay In Guddi
Xaqiiqo-Raadina Loo Diro Afduubkii Ka Dhacay Gobolkaasi |
Hargeysa, February 15, 2008 (Haatuf) – Xildhibaanada
Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Sanaag oo isugu
jira saddexda xisbi Qaran, ayaa cambaareeyey falkii lagu afduubay
sarkaalkii Hay’ada GAA, Mr Daniel Brokel oo ay koox hubaysani maalintii
doraad ku afduubeen gobolka Sanaag, balse ciidamada qaranka iyo maamulka
gobolkaasi ay sarkaalkaasi ay si weyn uga hawlgaleen sidii loo soo
badbaain lahaa, laakiin waxay xildhibaanadu ugu baaqeen goleyaasha
qaranka in guddi baadhis ah loo diro cidii ka dambeysay afduubkaasi.
Waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen ciidanka qaranka iyo maamulka
gobolkaasi.
Xildh. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere) oo ka mid ah xildhibaanada
xisbiga Udub ee gobolka Sanaag laga soo doortay iyo mudaneyaal kale oo
ka tirsan saddexda xisbi qaran ayaa shalay shir-jaraa’id ku qabtay
xarunta golaha wakilada, ugu horeyna Md. Dhaadheere oo halkaasi ka
hadlay ayaa yidhi “Anagoo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee
laga soo doortay gobolka Sanaag, waxaanu ugu horeyn hambalyo iyo
bogaadin u diraynaa maamulka gobolka Sanaag, ciidamada qaranka, bileyska
iyo maamulka golaha degaanka oo uu ugu horeeyo maayarka Ceerigaabo,
hawsha fiican ee ay ka qabteen iyo sida nabadgelyada ah ee ay u soo
badbaadiyeen ninkii Jarmalka ahaa ee maalintii doraad lagu afduubay
Ceerigaabo, taasi oo lagu soo qabqabtay budhcadii afduubka ku kacday.
Caalamkana waxaanu u sheegaynaa in arintaasi ahayd fal kedis ah, amaanka
hay’adahana aanay waxba u dhimayn, waxaananu ku faraxsannahay oo aanu
bogaadinaynaa sida budhcadii afduubka ku kacday gacanta loogu soo dhigay
dhamaantood”.
Md. C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Kulmiye ka
soo jeeda oo isna halkaas ka hadlay ayaa ydhi “Hadaanu nahay
xildhibaanada saddexda xisbi qaran ee laga soo doortay gobolka Sanaag,
waxaanu go’aansanay in aanu daba-galno cidii ka dambeysay falkaa
afduubka ah, gudi xaqiiqo raadisa oo baadhis ku soo samaysa cidii
falkaas ku lug lahaydna waxaanu doonaynaa in aanu dirno.
Shilkan oo kale ayaa toban sanno ka hor ka dhacay gobolkaas, kaas oo
sumcad xumo weyn soo gaadhsiiyey gobolka Sanaag.
Inkasta oo shilkan dhacay ay xukuumadu dedaal weyn ka gashay, haddana
waxaanu rabnaa anagoo xukuumada iyo goleyaasha qaranka la kaashanayna oo
aan xisbiyo kala ahayn in aanu guddi xaqiiqo raadina ugu baxno gobolka
Sanaag”.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Md. Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah
mudaneyaasha xisbiga UCID ee qaabka doorashada dadban uga soo baxay
gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay in si dhaba daba-gal loogu sameeyo
cidii falkaasi soo abaabushay iyo habkii afduubku ku dhacayba, isla
markaana la horkeeno sharciga cid kasta oo gacan ka geysatay.
Intaas ka dib, su’aalihii suxufiyiintu halkaasi ku weydiisay
xildhibaanada iyo jawaabihii ay ka bixiyeena waxay u dhaceen sidan:
S: Idinku gole sharci dejineed baad tihiin, hay’ado amaanka ka
shaqeeyana way jiraan, markaa idinku maxaad u cuskanaysaan sharciyada
gudida xaqiiqo raadinta?
J: Anaga arinkayagu waa soo jeedin oo waxaanu soo baandhignay in loo
baahan yahay in arintaasi dhacday aan sidaasi lagaga hadhine, feejignaan
laga yeesho si aanay mar dambe u dhicin oo xukuumada iyo cidii kale ee u
fara-dhuudhuubaniba ay ka wada hadlaan.
Bush Oo
Shaaca Ka Qaaday Gargaarka Dalkiisu Siin Doono Afrika |
Washington, February 15, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Maraykanka George
W. Bush ayaa shalay shaaca ka qaaday gargaarka dalkiisu siin doono
qaarada Afrika.
Madaxweyne Bush waxa uu sidaa ka sheegay mar uu ka hadlayay meel lagu
kaydiyo waxyaabaha qadiimiga ah ee Afrika oo ku taala Maraykanka, oo uu
kaga waramay safar la filayo inuu todobaadka soo socda ku yimaado
qaarada Afrika.
Madaxweynaha Maraykanku wadamada uu booqan doono waxa ka mid ah, Benin,
Tanzania, Rwanda, Ghana iyo Liberia, waxaanu sheegay in aanay
booqashadiisu keli ah ku koobnaan doonin dhaqdhaqaaqa siyaasadda ee
xagga dimuqraadiyadda Afrika, balse ay ku jirto horumarinta la
dagaalanka faqriga iyo xakamaynta cudurada HIV/AIDS-ks iyo Malaria-yada.
Waxaanu intaa raaciyay in qorshihiisa gargaarka ‘la dagaalanka’ AIDS-ka
ay horeba uga faa’iidaysteen tobanaan milyan oo Afrikaan ahi, waxaanu
golihiisa wakiiladda ee Congress-ka ugu baaqay inay ansixiyaan wax uu
ugu yeedhay laban laabida gargaarka oo la gaadhsiiyo $30 bilyan shanta
sannadood ee soo socota.
Madaxweyne Bush waxa uu ku faanay in afartii sannadood ee hore markii uu
talada dalka Maraykanka qabtay uu labanlaabay gargaarkii horumarinta ee
Afrika la siin jiray, waxaanu balan qaaday inuu markale haddana sannadka
2010 la gaadhsiiyo labanlaab intii uu markii hore ku daray. Taasi oo ku
jirta miisaaniyadda uu todobaadkii hore u diray aqalka sare ee
baarlamaanka Maraykanka ee Senate-ka, “Waxa aan idinka rajaynayaa inaad
qorshahan igu raaci doontaan” ayuu yidhi Bush.
Bush waxa uu sheegay in wadamo badan oo Afrika ah dhaqaalahoodu kobcayo,
“Way ka soo raynaysaa noloshu” ka dib muddo dheer oo silic ah oo ay ku
noolaayeen Afrikaanka Saxaraha ka hooseeyaa guud ahaan, waxaase hadda la
ogyahay in dhaqaalaha wadamada Saxaraha ka hooseeyaa sare u soo kacay
guud ahaan, iyada oo ugu yaraan boqolkiiba todoba sannadkan dhaqaalaha
wadamada Ethiopia, Mozambique iyo Tanzania uu kor u kacay, kuwaasi oo
lagu tilmaamay in koboca dhaqaalahoodu xawli ku socdo.
Waxa kale oo uu Bush sheegay inta uu ku jiro safarkiisa ‘Afrika’ inuu la
saxeexan doono dalka Tanzania deeq dhan $700 oo milyan oo qayb ka ah
Sanduuqa Millenium Challenge Account, kaasi oo ah mid ku kacaya $5.5
billion oo la siinayo wadamada soo koraya, taasi in ka badan saddex
daloolow laba la siinayo wadamada Afrika.
Bush waxa uu intaa ku daray in hay’adda maalgashiga gaarka ah ee dibadda
‘Maraykanka’ ay taageeri doonto shan mashruuc oo maalgashi ah oo ku kici
doona $875 milyan looguna talo galay ganacsatada Afrika, waxaanu intaa
ku daray in taasi keeni doonto maalgashi $1.6 bilyan oo lagu bixinayay
barnaamijka la sameeyay sannadkii hore ee la yidhaahdo qorshaha bilawga
dhinaca dhaqaalaha ee Afrika.
Bush waxa uu sheegay in intii uu xilka madaxweynenimada Maraykanka hayay
guulo laga gaadhay xalinta khilaafaadka iyo colaadihii ka oognaa
wadamada ay ka mid yihiin Angola, Burundi, Congo, Liberia, Sierraleone
iyo Koonfurta Sudan, kuwaasi oo uu sheegay in dawladiisu gacan ka
geysatay sidii loo xalin lahaa degenaasho la’aantii ka jirtay
wadamadaasi.
Hase yeeshee, Madaxweyne Maraykanku waxa kale oo uu ka hadlay
qalalaasaha haatan ka oogan dalka Kenya, waxaanu ugu baaqay
hogaamiyayaasha Kenya inay soo afjaraan qalalaasaha jira, isla markaana
xaq siiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay rabshadahaasi,
dimuqraadiyaddana ay si buuxda ugu soo laabtaan.
Waxa kale oo uu sheegay Mr. Bush in gobolka Darfur ee dalka Sudan
dhakhso loogu diro ciidamada qaramada midoobay ee nabad ilaalinta, isla
markaana waxa uu amaanay dalka Rwanda oo isagu ciidamadiisa hore ugu
diray gobolka Darfur, waxaanu ku baaqay in lagaga daydo oo ciidamo nabad
ilaalineed si dhakhso ah loogu diro.
Laakiin Madaxweynaha Maraykanku waxa uu ka hadlay Madaxweynaha Zimbabwe
oo uu ku eedeeyey inuu dalkiisa u horseeday, cunto yaraan joogto, sicir
barar xadhkaha goostay iyo xukun aan debecsanaan lahayn.
Waxaanu “[dawladda Maraykanku] waxay sii wadi doontaa taageerada
xoriyadda Zimbabwe” . waxaanu intaa raaciyay inay ka rajaynayaan
wadamada la jaarka ah oo ay ku jirta South Africa inay sidaasi oo kale
sameeyaan. “Waxa aanu si weyn u sugaynaa saacadda, ay riyadu dhamaato ee
ay dadka reer Zimbabwe markale xornimadooda heli doonaan”.
Top
Ururka Dhismaha
Jidka Boorama Dila Oo Shalay Shir Albaabadu U Xidhanyihiin Isugu
Yimid, Iyaga Oo Ka Walaacsan Sida Aanay Ganacsatadu U Bixinin
Lacagihii Laga Filayey |
Boorama, February 15, 2008 (Haatuf) – Guddiga Fulinta ee Ururka loo yaqaan
ARNA ee Qaabilsan dhinaca dhismaha Jidka Boorama-Dilla, ayaa shalay
markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay shir albaabadu u
xidhanyihiin isugu yimid.
Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen maamulka shirkadaha gaarka ah ee ka
jira Boorama sida TELSOM iyo Dahabshiil, SHABA iyo xubno kale oo
meteleyey ganacsatada magaalada, ayaa waxa guddoominayey guddoomiyaha
ARNA Cabdi Maxamuud Muuse (Quraab).
Guddoomiyaha ARNA iyo xubnaha ganacsatada ah oo aan isku dayey inaan wax
ka weydiiyo ajendaha shirkooda ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka
bixiyaan hadalkoodana kus oo koobay oo keli ah inay ka hadlayeen sidii
kor loogu qaadi lahaa adeegyada ururkaasi ama hawsha uu ka hayo jidkaasi
oo haatan gacanta lagu hayo dib u hagaajintiisa.
Ururkan ARNA oo ay ku bahoobeen ku dhowaad toddobaatan ka mid ah
ganacsatada shirkadaha gaarka loo leeyahay madaxdooda ,ayaa in muddo
ahba waxa soo waajahay arrimo u diiday inay hawlihii ay ugu talo galeen
jidkaasi u qabsoomaan,iyadoo dhinaca kalena Ururkaasi ARNA aanu ilaa
hadda helin qaadhaankii uu reer awdal usoo bandhigay lix bilood ku
dhawaad muddo haatan laga joogo marka laga reebo shirkada isgaadhsiinta
ee TELSOM.
Dhinaca kale maamulka Ururka ARNA ayaan la dhacsanayn dareeno lagu niyad
jabinayo hawsha jidkaasi oo dhawaanta ka soo yeedhay qaar ka mid ah
masuuliyiinta dawladda sare ee hawshan la qaban lahayd shirkada
waddaniga ah kuwasoo uu ka mid yahay wasiirka Hawlaha Guud ee
Soomaaliland Siciid Sulub ,oo isagu dhawaanta mar uu Boorama u yimid
furitaanka jidka Boorama dhexdeeda mara ee laamiga ah Ururkaasi ARNA ku
tilmaamay mid aan loo baahnayn oo baalmarsan wasaaraddiisa.
Xubno Ka
Tirsan Masuuliyiinta Laamaha Dawladda Degmada Saylac Iyo Kooxo Ay
Wateen Oo Shalay Boobay Raashin Yaallay Dugsiga Dhexe Ee Degmadaas,
Dhaawacyana U Geystay Maamulihii Dugsigaasi |
“Falkaa Ciddii Ka Damabysay Tallaabo Ayaan Ka Qaadi Doonaa” – Maamulka
Waxbarashada Gobolka Awdal
“Waxba Kama Ogi Falkaasi” – Kuxigeenka Maayarka Saylac
“Ma Garanaynno Sababta Loo Xidhay Masuul Dawladeed Oo Weliba La
Farasaaray”
Boorama, February 15, 2008 (Haatuf) – Wararka ka imanaya Degmada Saylac
ayaa sheegeya in shalay cabbaaro sagaalkii subaxnimo kooxo dhallinyaro
ah iyo masuuliyiin ka tirsan laamaha dawladda ee degmadaasi boobeen
raashin quudin ahaa oo loo dhigay ardayda wax ka barata Dugsiga dhexe ee
degmadaasi, kaddib markii ay maamulihii dugsigaasi faraha ula tageen.
Wararkani ayaa dhinaca kale sheegeya in falkani ku soo beegmay toban
casho kaddib, markii la beddeley Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada
Saylacoo magaciisa la yidhaa Xuseen Cabdilaahi Maxamuud, loona
magacaabay taliye cusub.
Sida wararku sheegeyaan raashinka la soo weeraray oo ahaa mid loogu
talo-galay quudinta ardayda dhigata dugsiga dhexe ee Degmada Saylac,
ayaa la sheegeya inuu u badnaa Saliid iyo Boorish.
Maamulka Golaha degaanka degmada Saylac oo aan wax ka weydiiyey
dhacdadan ayaa Guddoomiye kuxigeenka Golahaasi, Cismaan Muumin Caarre ii
sheegay in aanu waxba kala socon sida wax u dhaceen.
Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Daahir Maxamuud Xaddi oo isagaoo
jooga Boorama aan wax ka weydiiyey falkan masuuliyiin ka tirsan dawladdu
ku boobeen cuntada dugsigaasi loogu talogalay, oo weliba dugsigaasi la
weeraray wakhti ay halkaa ku sugnaayen masuuliyiin ka socday Hay’adda
NRC, ayaa sheegay inuu maqlay warkaasi, ciddii ay ku caddato inay ka
dambaysayna uu maamulkiisu tallaabo ka qaadi doono.
Saleebaan Tukaale, ahna guddoomiyaha waxbarashada Degmada Saylac oo isna
ku sugan Boorama waxna aan ka weydiiyey sida wax u dhaceen ayaa sheegay
inay wax ka dhaceen degmada Saylac dugsigeeda, balse diiday inuu
faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo.
Wararku waxay sheegeyaan in ciidanka amniga oo aan waxba ka qaban
falkaasi intii uu dhacayey ay xabsiga u taxaabeen oo keli ah maamulihii
dugsigaasi oo dhaawac ah magaciisana la yidhaa C/rashiid Cabdi Caddaawe.
Maamule kuxigeenka dugsiga dhexe ee degmada Saylac, magaciisana la iigu
sheegay Muxumed Nuur, oo isna aan wax ka weydiiyey weerarka kooxahanni
ku soo qaadeen ayaa yidhi “waxa saaka annagoo dugsiga joogna na soo
weeraray koox uu horkacayo maamulaha wasaaradda kalluumaysiga ee degmada
Saylac, magaciisana la yidhaa Faysal, kuwas oo noogu yimid xafiiska oo
ay joogaan madax ka socotay hay’adda NRC, gacmahana ula tageen
maamulihii dugsiga, kadibna waxay qaateen cunto boorish ah oo taalay mid
ka mid ah xafiisyada, kaddibna booliskii ayaa yimi, waxayna xabsiga u
taxaabeen maamulihii”.
Sida wararku sheegeyaan waxa kooxdan la socday oo kale shaqaale ka tisan
wasaaradda maaliyadda, balse waxa hor-socday mamulaha wasaaradda
kalluumaysiga ee degmada Saylac, kaas oo ay qaraabo yihiin guddoomiye
kuxigeenka Degmada Saylac, Cismaan Muumin.
Ilaa imika ma jiraan warar ka soo baxay taliska Booliska oo way ii
suurtageli weyday inaan la xidhiidho.
Waa markii u horreysy ee laan ka mid ah laamaha dawladdu
hawlwadeenadoodu boobeen hanti wasaarad kale leedahay.
Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in kooxdan dugsiga weerartay
ahaayeen koox la sheegey inuu maamulka magaaladaasi u xilsaaray qaybinta
deeqaha magaaladaasi soo gaadha, balse quudinta loogu talogalay ardaydu
ma khuseyso hawlahooda siday ii sheegeen dad xog-ogaal u ahaa arrinta
guddidaasi.
Si kastaba ha ahaatee Taliska Booliska Degmadaasi ayaa waxa la gudboonaa
in arrintani markay soo gaadhay uu labada dhinac ee ka wada tirsan
laamaha dawladda isku keeno, si qarsoodi ahna u heshiisiiyo oo haddii
xitaa maamuluhu qaldan yahay ama gacanta ku horreeyey la soo ogeysiiyo
wasaaradda ku shaqada leh si loo ganaaxo ama tallaabo kale looga qaado
inta aanu xabsiga u taxaabin.
Xukuumadda
Somaliland Oo Muddo Laba Sannadood Ah Hortaagan Idaacad Wax Lagu
Bari Lahaa Ardayda Saxaafadda Ka Barata Jaamacadda Hargeysa |
Hargeysa, February 15, 2008 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa
labadii sannadood ee u dambeeyayba hortaagan in la furo idaacad ay
yeelato Jaamacadda Hargeysa, oo wax lagu bari lahaa ardayda barata
culuunta saxaafadda ee ay iska kaashadaan saddexda Jaamacadood ee
Hargeysa, African Virtual University iyo Indiana University in
Pennsylvania.
Idaacadan oo ay maal gelin lahayd hay’adda UNDP waxa la damacsanaa in
laga sii daayo barnaamijyada ay diyaariyaan ardayda barata culuunta
saxaafadda iyo arrimaha waxbarashada guud ahaanba dalka, isla markaana
ay ardaydu ku baran lahaayeen farsamooyinka baahinta, tifaftirka wararka
waxbarashada ah ee ka baxaya Idaacadda iyo weliba farsamada Idaacada
lagaga shaqeeyo.
Masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa ayaa mawduucan dhawr jeer kala hadlay
Idaacadan iyo arrimaheeda masuuliyiinta warfaafinta iyo madaxtooyadaba,
hase yeeshee taasi waxba kama ay bedelin mawqifkii xukuumadda ee ku
aadanaa in Idaacadaasi fasax looga helo xukuumadda Somaliland.
Barnaamijka barashada culuunta saxaafadda ee ay Jaamacadda Hargeysa
bixiso waxa maalgeliya hay’adda UNDP iyo Baanka Adduunka, waxaana loogu
talo galay in wax lagu baro saxafiyiinta ku dhaqan dalkii la isku odhan
jiray Somalia. Hase yeeshee waxa markii ugu horeysay lagu bilaabay
Jaamacadda Hargeysa sannadkii 2004-tii, waxaanu mashruucaasi noqday mid
guul wax ku ool ah laga gaadhay, isla markaana dufcadii ugu horeysay ee
Jaamacadda Hargeysa ka gasha culuunta saxaafadda aas-aasiga ahi waxa ay
soo hooyeen guul wax ku ool ah, waxaanay taasi sababtay in barnaamijka
la gaadhsiiyo ilaa heerka shahaadada koowaad ee Jaamacadda ‘Degree’,
waxaana lagu soo daray Jaamacadda East African ee ka jirta maamulka
Puntland ee dalka Somalia, oo iyaguna haatan ka qayb gala
waxbarashadaasi culuunta saxaafadda.
Markii loo baahday Idaacad ay ardayda shahaadada koowaad ee Jaamacadda
culuunta saxaafadu u isticmaasho barnaamijyadeeda waxbarashada, maamulka
Puntland ee dalka Somalia iyo dawladda Somaliland labaduba way diideen,
laakiin bishii November 2007, ayay maamulka Puntland ardaydooda u
ogolaadeen inay Idaacadaasi ka dhex furtaan Jaamacadooda, haatana way u
shaqaysaa.
Inkasta oo maamulka Puntland ee Somalia uu ogolaaday hirgelinta
Idaacadda waxbarashada ardaydooda culuunta saxaafadda, haddana ardayda
Somaliland oo dalkoodu leeyahay xeer saxaafadeed iyo dastuur damaanad
qaadaya inay xaq u leeyihiin furashada Idaacadaasi, weli xukuumadda
Somaliland way liqi kari la’dahay in Idaacadaasi la hirgeliyo.
Masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa oo aanu isku daynay in aanu arrintan
wax ka weydiino ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, balse waxa ay qireen
jiritaanka diidmada Idaacadda, inkasta oo aanay weli ka rajo dhigin inay
Idaacadaasi ogolaansho uga helaan xukuumadda Somaliland.
Masuuliyiinta Warfaafinta ee xukuumadda Somaliland ayaa iyaguna ku gacan
saydhay inay ka hadlaan arrintaasi, laakiin waxa ay sheegeen in aan
xagga madaxtooyada Somaliland laga ogolayn furashada Idaacad aanay
dawladdu maamulin, nooca ay doontaba ha ahaatee.
Arrintani waxay caqabad ku noqotay ardayda culuunta saxaafada ka barata
Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan qaybta shahaadada koowaad ee Jaamacadda
‘Degree’-ga sannadkan ka qalin jebinaysa, waxaanay qalin jebin doonaan
iyaga oo aan haba yaraatee wax khibrad ah u lahayn farsamada Idaacadda
iyo warbaahinteeda, ka dib markii dawladu diiday inay Idaacadaasi ku
tababartaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa 05/06/2002, gebi ahaanba mamnuucday in dalka
laga sameeyo Idaacado gaar loo leeyahay, taasi oo ay kala kulantay
cambaarayn kaga timid dalka gudihiisa iyo debadiisaba.
Dawladda
Hoose Iyo Afar Hay'adood oo Caalamiya, Qaar Ka mid Ah Ururrada
Waddaniga Ah Oo Isla Meel-dhigay Kor U Qaadida Adeegyada Toban
Degaan Oo Boorama Ah |
Boorama, February 15, 2008 (Haatuf) – Magaalada Boorama ayaa labadii
maalmood ee aan soo dhaafnay waxa ka socday wada-hadalo ku saabsan sidii
kor loogu qaadi lahaa adeegyada mashaariicda dadweynuhu qaybta ku
leeyihiin ee loo yaqaano CDD.
Wada-hadaladan oo ay ka soo qayb-galeen maamulka Golaha degaanka Boorama,
ururka waddaniga ah ee SAYS iyo Hay'adaha UN-HABITAT, WORLD BANK, UNICE,
iyo DIF, dhinacyadaasi oo aakhirataankii heshiis ku gaadhay in
mashaariic ay ka mid yihiin kor u qaaddida Caafimadka, Jidadka Magaalada,
adeegyada Waxbarashada, Sariibadaha iyo caafimaadka, kuwaas oo la
doonayo in laga ururinayo ku dhawaad toban goobood oo ku kala baahsan
magaalada Boorama iyo Miyigeeda oo kala ah afar qaybood oo Boorama ah
iyo lix goobood oo la siiyey tuulooyinka.
Maaayarka Boorama C/raxamaan Shide Bile, oo aan sida ay u qaybsan
doonaan hawshan wax ka weydiiyey ayaa sheegay inay Mashaariicdan qaarna
yihiin kuwa cusub Qaar kalana yihiin kuwa awalba ay ka wada shaqaynayeen
hay'adahaasi, isla markaana ay ku jiraan mashaariic la xidhiidha kor u
qaadidda dakhliga dadweynaha ee loo yaqaan income generation.
Madaxa Ururka dhallinyarada SAYS Axmed Askar oo ururkiisu degaan ahaan
kala shaqayn doono labadaa dhinac in mashaariicdani yihiin kuwa tijaabo
ah oo laga fulinayo degaanada ku kala yaalla Awdal iyo saaxil.
Waa markii ugu horreysay ee Hay'ado intaa leegi u soo diyaar garoobeen
inay ka qayb qaataan mashaariicda horumarinta iyo adeegyada dadweynaha.
Qalfoofka
Fiidmeer 52 Milyan Oo Sannadood
Horteed Noolayd Iyo Xidhiidhka Ay La Leedahay Ta Maanta |
WASHINGTON (Reuters) – Qalfoofka Fiidmeertii ugu da’da weynayd inta la
ogyahay ayaa markii ugu horeysay la daah-furay, taasi oo ku noolayd
dhulka 52 milyan oo sannadood ka hor, taasi oo awood u leh inay hawada
dhexdeeda ka ugaadhsato, iyada oo la moodo inay talaabsanayso, haddana
ay hawada dhexdeeda dabaalato.
Koox khubaro saynisyahano ah ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii inay heleen
qalfoofka fiidmeer meel dhexaad ah oo, isla markaana ah kuwii qarniyaal
horteed laga heli jiray dunida, taasi oo magaceeda la yidhaahdo
Onychonycteris finneyi.
Waxa ay sheegeen kooxdan khubarada saynisyahanada ahi inay fiidmeertani
leedahay laba baad oo waaweyn, oo si wanaagsan ugu filan duulimaadka.
Laakiin waxa ay intaa ku dareen in qalfoofka ay hayaan muujinayo in
aanay awood u lahayn inay is-jejebiso.
Kevin Seymour oo ah saynisyahan ka tirsan xarunta Royal Ontario Museum
oo ah meel lagu kaydiyo waxyaabaha qadiimka ah oo ku taala dalka Canada
oo u waramayay wargeys wax ka qora arrimaha dabiiciga ah oo la yidhaahdo
Nature, waxa uu sheegay in ay muuqato inay tani jawaab u noqon doonto
dood muddo dheer taagnayd oo la xidhiidha fiidmeerta duulimaadkeeda iyo
is-jejebinteeda, taasi oo noqonaysa in fiidmeertu duusho.
" Waxay qayb ahaan u egtahay fiidmeerta maanta, waana fiidmeerta ugu
qadiimsan ee aynu ognahay. Sida runta ahna way duuli kartaa, laakiin
isma jejebin karto. Markhaatiga laga helay qalfoofkani iyo dhawaaqa
gobolka yaalaaba waxa ay sheegayaan in qaabka dhismaha abuurkeedu aanu
isu jejebin karaynin, sida fiidmeerta aynu maanta aragno” ayuu yidhi
Seymour oo telefoonka ugu waramayay Wargeyska Nature.
Fiidmeertu waa noolaha labaad ee dunida oo dhan caanka ka ah ee ay
maanta nool yihiin noociisu, taasi oo noqonaysa ta shanaad ee
noolayaasha la yaqaano
Laakiin fiidmeertu waxa kale oo ay leedahay mid qarniyaal hore jirtay oo
ay Saynisyahanadu u halgamayeen inay fahmaan sida ay berigii hore u
noolaan jirtay. Markii qalfoofka fiidmeerta Onychonycteris la daah-furay
sannadkii 2003-dii Koonfurta Wyoming waxa ay buuxisay hanaan loo baahnaa.
“Xaqiiqdii waa fiidmeer, laakiin maaha mid aynu hore u aragnay” Sidaa
waxa yidhi, Nancy Simmons oo khabiir ku ah waxyaabaha qadiimka ah ee
noolaha oo degan magaalada New York, waxaanu intaa ku daray “Marka
waxyaabo badan la tixgeliyo waxa jira shay xidhiidh ka dhaxeeyo
fiidmeerta iyo shayga aan duulin, balse awoowgood ah oo maqan”.
Sida ay fawdadu ugu habsatay dhamaan qaybaha nolosha ee kala duwan ayaa
ay ugu habsatay dhinaca siyaasadana iyo samaysashada xisbiyada siyaasiga
ah. Waxa ay gaadheen tirada xisbiyada siyaasiga ah ee laga aasaasay
Baqdaad oo kali ah in ku dhow ilaa boqol xisbi siyaasadeed, waxaanu ii
sheegay mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Ciraaq in ay tiradoodu
gaadhaysay laba boqol iyo todoba iyo sodon xisbi.
Waxa intaa ka daran xisbiyada yaryar ee ka jira gobolada iyo
magaalooyinka ee aan tiro-koobka lagu samayn oo qiyaas ahaan lagu
qadaray boqolaal. Waxaanay u kala baratameen xisbiyadani, kadib
dhicistii Baqdaad sidii ay u kala qaybsan lahaayeen xarumihii xisbul
Bacaska iyo xarumihii dawlada. Dadka oo dhami waxa ay ka daawadeen
Tv-yada 29 March 2004 sawiro gacanta la iskula tegay oo ay iskaga
hor-yimaadeen ururka sa’rulaahi oo ah mid ka mid ah xisbiyada ugu yaryar
ee shiicada oo ka jira magaalada Basra iyo ciidamada Ingiriiska, kuwaasi
oo ka dalbaday in ay faaruqiyaan dhisme ay qabsadeen oo ay xarun ka
dhigteen, horena u ahaa xarunta Midawga Dumarka reer Ciraaq.
Waxyaalaha la yaabka leh waxa ka mid ah iyaga oo dalbanaya in ay
yeeshaan dhismayaahan ka tirsan hantidii dawlada. Sidoo kale, guryihii
ay lahaayeen masuuliyiintii hore ee Ciraaq iyagana waa la qabsaday,
waxaanay isku bedeleen xarumo xisbiyo ama guryaha masuuliyiinta cusub,
kuwaas oo aan uba arag dhib ee u kala badiyeyba sidii ay u kala qabsan
lahaayeen. Arimahaasina waa hab waxba yahay ah oo fawdo ah.
Waxyaabaha ugu qosalka badan ee arintan ku saaban waxa weeyi, markii aan
ogaaday intii aan Baqdaad joogay in dhismihii idaacada iyo telefishanka
Ciraaq ay qabsadeen tobanaan qoys oo ka mid ah qoysaska reer Ciraaq,
waxaanan weydiiyey oo waa sidee istuudyaashii? Waxaanay igu yidhaahdeen
istuudyo kasta oo weyn waxa qabsaday dhawr qoys.
Arimaha kale ee qosalka ahi waxa weeyi dhamaan qoysaskani waxa ay
dalbanayaan in la siiyo dhismayaasha, maadaama uu yahay hanti ka hadhay
nidaamkii hore.
Mar aan booqday xubin ka mid ah golaha xukunka ku meel-gaadhka ah oo
magaciisa la yidhaahdo Saalaxu-diin Maxamed Bahaa’udiin, si aan ugu soo
diyaariyo in uu igala qayb-galo xalqad ka mid ah barnaamijka
bilaa-xuduud, waxa aan ka helay isaga oo degan xaruntii ay ku kulmi
jireen wasiiradu ee ku taalay xaafada Qaadisiya oo ah badhtanka Baqdaad.
Waxa ku wareegsan goobtaasi gidaar ka samaysan sagbad oo dherer ahaan
gaadhaya ilaa afar mitir oo la mid ah ka uu Alian Sharon ka sameeyey
daanta galbeed. Hase yeeshee dayrkan waxa ilaalinaya ciidamada dawlada
Maraykanka iyo ciidamada dawlada Ciraaq oo ka cabsi qaba in weeraro
isqarxin ah lagu soo qaado (Dilkii oo ku baahay Ciraaq).
Dhinaca kale, waxa la dilay sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha
gudaha, inankiisiina waa la dhaawacay, waxa la dilay hogaamiyihii
ciidanka bileyska ee Maxmuudiya, gaadhi laga soo cabeeyey, waxa qaraxa
lala beegsaday gudoomiyihii gobolka Diyaala, dad aan la garanayn ayaa
afduubtay Dr. Walid Khaal, nin dhakhtar ah ayaa lagu dilay goobtiisii
caafimaad.
Arimahaasi oo dhami waxa ay ahaayeen kuwo aan ku seexdo oo aan ku soo
tooso Ciraaq markii aan dhex socday magaalooyinka kala duwan ee Ciraaq
inti lagu guda jirey bilihii March iyo April ee 2004-kii.
Dhacdooyin dil ah, afduub, gawaadhi la qarxiyey, rasaas meel ooda lagaga
qaaday, qaraxyo, hoobiyeyaal iyo sawaariikh kale ayaa joogto ahaa,
sidaas darteed qofna amaan muu dareemayn, sida uu ii sheegay mid ka mid
ah siyaasiyiinta reer Ciraaq, xataa Poul Primar oo ahaa madaxii madaniga
ahaa ee Ciraaq naftiisu, sida uu ku qorey xusuus qorkiisa, waxa uu la
kulmay dhawr isku day oo la doonayay in lagu khaarajiyo ilaa markii
dambe ay gaadhay ilaa todoba isku day. Xataa hogaamiyaha ciidanka
Maraykanka Gen. John Abu-zayd, waxa uu ka badbaaday weerar gantaal oo
lala beegsaday mar uu joogay magaalada Faluuja laba iyo tobankii
February ee 2004. sidaasna waxa cadeeyey ku xigeenkiisa Gen. Mark Kamet
shir-jaraa’id oo uu ku qabtay isla galabnimadii maalintaasi magaalada
Baqdaad in uu Gen. Abu Sayd oo booqanaya meel ka tirsan ciidanka difaaca
ee Ciraaq lagu soo weeraray, saddex saaruukh oo laga soo riday guryaha
meesha u dhowaa dushooda.
La soco…………..
Milicsiga
Website-Kii Ugu Horeeyay Ee Ay Dadka Soomaalidu Ku Yeeshaan
Internet-Ka |
Hargeysa, February 15, 2008 (Haatuf) – Intii ka horeysay dabayaaqadii
sannadihii 1990-maadkii dadka afka Soomaaliga ku hadlaa ma lahayn
shabakado ama meel ay wax ku baahiyaan oo internet-ka dhexdiisa, marka
laga reebo waxoogay markaa bilaw ahaa, hase yeeshee ilaa 1988-kii, waxa
Internet-ka jiray bog lagu kaydiyo suugaanta noocyadeeda kala duwan oo
ay curiyeen aqoonyahano reer Somaliland ah oo joogay dalka Maraykanka.
Boggan oo noqday kii ugu horeeyay ee ay dadka afka Soomaaliga ku hadlaa
ka helaan internet-ka intii la sameeyay, waxa ku kaydsan macluumaadka
iyo suugaanta ugu badan ee la xidhiidha afka Soomaaliga guud ahaan gaar
ahaan Somaliland, haddaba, waxa aanu arrintaasi ka waraysanay
tifaftiraha boggaasi, Maxamuud Axmed Shunuuf oo ay isaga iyo laba
walaaladii ahi wada jir uga aasaaseen boggani internet-ka dhexdiisa
waqti aanay Soomaaliduba internet-ka isticmaalin.
“Waxay ahayd 1988-kii markii aanu bilawnay boggan oo lagu kaydiyo fanka
iyo suugaanta Soomaalida, gaar ahaan kuwa Somaliland.
Markii hore aaladan Internet-ku waxay ahayd mid waqtigaasi soo korodhay
oo ay isticmaalaan cilmi baadhayaashu, qoraaladana isku weydaarsadaan,
waxaanay ka timid markii loo baahday aalad dhakhso badan oo iskugu
xidhiidhsan qaabka ay waayirada telefoonadu u xidhiidhsan yihiin,
waxaana markaa dunidii horumartay ay bilawday inay hesho isgaadhsiintan
ay cilmi baadhayaashii iyo ardaydii Jaamacadaha dunidu isku weydaarsan
karaan qoraalada iyo macluumaadkooda, isla markaana ay si fudud u heli
karaan.
Waqtigaasi anigu waxa aan ka shaqayn jiray oo aan maamule ka ahaa Oregon
Museum and Science, oo aan markii dambena maamule ka ahaa, dabadeedna
markii aanu aragnay baahida loo qabo in dadka afka Soomaaliga ku hadlaa
ay u baahan yihiin meel ay ka helaan macluumaad iyo waxyaabo ku saabsan
dhaqankooda iyo suugaantooda, isla markaana ay dhacday in
Suugaanyahanadii Somaliland ee aqoonta lahaa ay fursad u waayeen inay ka
qayb galaan shirarka caalamka iyo meelaha ay dunidu isku aragto inay ku
soo bandhigaan waxyaabaha ay curiyaan, ka dib markii dawladdii
waqtigaasi jirtay dagaal la gashay, isla markaana ay iyaga bedelkoodii
meelaha noocaasi u dirtay dad ama qolo lagu keenay amaba hab kale, waxa
aanu go’aansanay inaanu ka qayb galno dagaalkii halganka ahaa ee ay
dadkeenu ku jireen, waxaana dagaalkii qoriga ahaa barbar socday dagaal
kale oo ay dawladdii Siyaad Barre kula jirtay dhaqanka iyo suugaanta
Somaliland, markaa si looga hortago dagaalkaasi waxa aanu keenay inaanu
ururinay gabayadii iyo heesihii dadkeena isla markaana aanu meel laga
wada daalacan karo iskugu geyno, sidaasi ayuu ku bilaabmay website-kan
oo aanu ku wada samaynay saddex, aniga, C/Raxmaan Axmed Shunuuf iyo
Nagiib Axmed Shunuuf, waxaanu noqday boggii ugu horeeyay ee qoraal af
Soomaali ah la geliyo, taasina waxa ay soo jiidatay dad badan oo ka mid
ah dadyawga afka Soomaaliga ku hadla ee dunida dacaladeeda, waxaana
dhacday inay markeli ah jawaabtii ka soo noqotay dadku ahayd inay
gabayadii iyo suugaantii ku kaydsanayd boggan shunuuf.tripod.com ay si
weyn u soo dhaweysay, waxaanay fariimo nooga kala yimaadeen Soomaali
kala deganayd South Africa, Nigeria, Europe iyo Maraykanka. Waxa kale oo
intaa dheeraa gabayadii iyo heesihii ay curiyeen hal abuuradu ee
marxaladaha kala duwan ka hadlayay markii aanu gelinay in aanaan ku
darin wax sharaxaad ah, taasina waxa ay keentay inay dadku iyagu
sharaxdaan oo ay noqoto mawaadiic ay ka hadlaan, tusaale ahaan gabayada
qaarkood ay odayaal goob joog ahaa markii la tirinayay ay carruurtooda
oo aan garanayn nuxurka uu xambaarsan yahay ay u daabaceen, isla
markaana markii ay odayaashu sharaxeen jawaabihii ay noo direen ay ka
mid ahaayeen “Awoowgay baa ka mabsuuday oo ii fasilay markii aan u
daabacay gabayada boggiina ku jira”.
Markaa hawl aad u balaadhan oo caqabadaheeda iyo hambalyadeedaba leh
ayay noqotay, waxaana waqtigaasi adkayd in kharashka uu internet-ku ku
kacayay qaali ahaa jiritaanka bogguna lacag badan u baahnaa, halka ay
dadka qaarkoodna lahaayeen intii aad waxan ururinayseen maad wax ka
wanaagsan qabataan iwm,” sidaa waxa yidhi, Maxamuud Axmed Shunuuf oo ah
tifaftiraha Bogga kaydka suugaanta Somaliland ee Shunuuf.tripod.com oo
Haatuf uga waramayay sidii ay ku aasaaseen boggan oo ah kii ugu horeeyay
ee ay dadka afka Soomaaliga ku hadlaa ku yeeshaan aaladda Internet-kii
tan iyo intii la sameeyay.
Maxamuud waxa uu sheegay in markii ugu horeysay ee ay boggan sameeyeen
aanu internet-ku lahayn meel la iskugu gudbiyo sawirada amaba lagu
bandhigo, sidaasi darteed markii ay qoraalkii ururintiisii iyo
qoristiisii dhameeyeen, haddana ay baadi doon u galeen sidii sawirada
loo heli lahaa, waxaanu yidhi. “Markii dambe waxa ay hawl badani naga
gashay in aanu helno sawiradii, tusaale ahaan sawirka Maxamed Mooge waxa
aanu ka helnay Sacuudi Carabiya, halka aanu Shimbir hooyadii oo joogta
Ingiriiska ka helnay, C/laahi Qarshi-na gabadh Ingiriiska wax ka
baranaysay.
Ururintu sawirada oo keli ah kuma koobnayn, laakiin waxa dhacday in
xataa gabayada qaarkood ay nagu qaadato inaanu raadino muddo afar
sannadood ah, markaa wax hawl yar may ahayn”.
Hase yeeshee Maxamuud isaga oo ka waramaya macluumaadka ku kaydsan
boggan waxa uu yidhi. “Waxa ku kaydsan gabayo, heeso, ku qoran afka
Ingiriisiga iyo Soomaaliga ah, kuwaasi oo u kala baxaya waqtigii
gobonimo doonka, intii ka horeysay ee gabayadii qarnigii 18-aad iyo
wixii ka horeeyay, suugaantii halganka iyo kuwo mawaadiic kala duwan ka
hadlaysa, sababta keliftay in aanu luuqada Ingiriisiga ku turjunana waxa
weeyaan in ay bulshada caalamku ogaato suugaanteena iyo sida ay hodanka
u tahay.
Waxa kale oo ka faa’iidaysanaya cilmi baadhayaasha iyo qorayaasha dunida,
sidaasi darteed haddii Soomaalidu tahay 10 milyan, waxa aanu ugu talo
galnay inay 10-bilyan ee dunida dacaladeeda ku nooli ogaadaan sida
suugaanteenu hodanka u tahay”.
Maxamuud isaga oo ka hadlaya faa’iidooyinka kale ee qoraalada suugaanta
ah ee ay geliyeen website-kooda keenay waxa uu yidhi. “Tusaale ahaan
Xudaydi oo aanu anagu gacantayada ku sawirnay, waxa aanu ugu nimid
Ingiriiska, isaga oo muddo halkaasi joogay, isaga oo aan degenaasho ka
helin dalkaasi, balse markii aanu u keenay qoraalkii aanu ka qornay ee
uu ula tegay xafiiskii dalkaasi u qaabilsanaa bixinta degenaashaha,
markiiba waa la siiyay, sidoo kalena qoraalka aanu ka qornay waxa ku
jirtay inuu yahay boqorka cuudka, waatii aad ogaydeen inay 50-dii BBC-da
ku soo casuumeen, markaa arrimahaasi oo dhan ayuu yeeshay website-kani”.
Maraykanka
Oo Qorshaynaya Inuu Toogto
Satellite Wax Basaasa Oo Dhulka Ku Soo Dhacaya |
Washington, February 15, 2008 (Washington Post - Haatuf) - Madaxweynaha
Maraykanka Geoge W. Bush oo la taliyayaashiisa xagga ammaanka la
xaajoonayay ayaa haatan go’aansaday inuu isku dayo in la toogto
satellite ciladaysan oo kuwa wax basaasa ah oo la filayo inuu bisha
dambe ku soo dhaco dhulka.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday afhayeen u hadlay golaha nabadgelyada
qaranka.
Afhayeenkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Gordon Johndroe, waxa uu sheegay
inuu Madaxweynuhu go’aan ku gaadhay todobaadkii hore, isla markaana
milateriga weydiistay inay la yimaadaan qorshe lagu burburinayo
satellite-kaasi.
Johndroe waxa uu sheegay go’aankaasi oo uu ku sharxay shir jaraa’id oo
lagu qabtay Pentagon-ka shalay galabtii uu ku salaysnaa xaqiiqo ah in
satellite-kaasi xambaarsan yahay waxyaabo badan oo khatar ah, isla
markaana sun ah waxyaabo kiimiko ahina ku jiraan.
Satellite-kan oo la diray bishii December, 2006-dii, laakiin wax yar ka
dibna xidhiidhka goostay ayaa la sheegay inuu dhulka ku soo socdo.
Waxaanu afhayeen Johndroe yidhi. “Satellite-ka waxa lagu burburin doonaa
marka uu dhulka ku soo socdo, sida la go’aansaday dhawr todobaad ka hor”.
Odayaal Iyo Waxgarad Ka Mid Ah Beesha Galbeedka Burco Oo Daadefeeyey
Ceelamo-Saar Suldaan Cusub Oo Doraad La Sameeyey
In ka badan laba boqol oo isugu jira waxgaradka.kala duwan ee beesha
Muuse Ismaaciil galbeed, ayaa shir balaadhan oo ay shalay isugu
yimaadeen ka soo saaray baaq ay kaga soo horjeedaan Suldaan cusub oo la
sheegay in la caleemo-saaray, taas oo ay ku tilmaameen inaan wax ka jira
haba yaraatee aanay jirin, sidaa darteed aanay beeshu wax Suldaan ah
dooran waqtigan.
Waxaanu u qoraa war murtiyeed ay ka soo saareen sidan:
“Hadaanu nahay Beesha Muuse Ismaaciil Galbdeed, waxaan halkan ku
cadaynaynaa kadib markii Beesha Muuse Ismaaciil Galbeed shir isagu
yimaadeen waxagaradkooda, Cuqaashooda, Culumaa’udiinkooda iyo dhamaan
wax-garadka, haday tahay Cuqaal Odayaal & Dhalinyaraba in aanay waxba ka
jirin Suldaanka la sheegay in Beeshu samaysatay taariikhdu markay ahayd
13-kii Bishan.
Sidaasi darteed, waxaanu mar-labaad halkan ku cadaynaynaa in Suldaankaas
la sheegay in Beesha Muuse Ismaaciil Galbdeed samaysatay aanay waxba ka
jirin, Madaama ay meesha ka maqan tahay talo wadaagtii ay ka dhalan
lahayd kalsooni buuxda oo laysku raacsan yahay”.
Waana kuwan qaar ka mid ah magacyada waxgaradka beeshaasi:
1. C/Risaaq Xaashi Xuseen Xamar – Gudoomiyaha Beesha
2. Cali Maxamed Col-u-joog – Chief Caaqil
3. Cumar Su’aal Cali Kaar – Caaqil
4. Maxamed Ibraahim Xirsi – Caaqil
5. Maxamed Axmed Xirsi (Oraydh)
6. Maxamuud Aadan Dheri
7. Maxamuud Cabdi Kooshin (Qoslaaye)
8. Axmed Xasan C/Raxmaan (Ilkacase)
9. C/laahi Aadan Qurux
10. Ibraahim Yuusuf Xasan (Jirde Gooye)
11. Ibraahim Yuusuf Xadhigle
12. Dr.Maxamuud Jaamac Geedi
13. Aadan Baxnaan
14. Eng_Xuseen Maxamed Xandulle
15. Dr Axmed Caydiid Laari
16. Jaamac Jibriil Cali
17. Odowaa Laari Axmed
18. Yuusuf Cabdi Tirike
19. Caajis Cabdi Geele
20. Mahdi Ismaaciil Xuseen
21. Cali Mahdi Ismaaciil
22. Qorane Kaariye Xirsi
23. Axmed Cawke Cabdille
24. Ibraahim Cawil
25. Bille Samatar Faarax
26. Axmed Cabdilaahi Sulub
27. Yuusuf Xaaji Xasan Warsame
28. Ismaaciil Xaaji Cali Guutaale
29. Siciid Kaariye Jibriil
30. Aadan Xaaji Cismaan Dheg-jar
Top
|