Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1657 Feb.21, 2008

“Waanu Danaynaynaa Somaliland Waxa Ka Jira, Waayo Waxa Ka Socda Waxyaabo Cusub Oo Tijaabo Ah”

Madaxweyne Riyaale Oo Yimi Addis Ababa Kadib Markuu Soo Dhammaystay Booqasho Gaara Oo Uu Ku Tegay Imaaraadka

Guulaha Xidhiidhka Ah Ee Barack Obama Oo Khalkhal Geliyay Ololihii Hillary Clinton

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweyne Lagu Lafa Gurayo Duruufaha Garsoorka

Maamulka Gobolka Sanaag Iyo Degmada Ceerigaabo Oo Ka Dayriyey Abaar Ba’an Oo Gobolkaas Soo Food-Saartay

NASASHADA WARGEYSKA

Nin 3 Daqiiqadood Gudahood ku galay laba shil gaadhi Oo Maxkamad La Horkeenayo

Gaadhi Badda Gunteeda Maraya Oo Lagu Soo Bandhigayo Geneva

Lambar baabuur oo Lagu Kala Iibsaday $14 milyan Dalka Imaaraadka

Duruufo Dhaqan Dhaqaale Oo Caqabad Ku Noqday Waxbarashada Carruurta Danyarta Ah Ee Hargeysa  

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Oo U Kala Baxay Bari Iyo Galbeed, Si Ay U Soo Dhisaan Xafiisyadii Diwaan-Gelinta Iyo Doorashooyinka

Hawl-galkii Lagu Fashiliyay Warbixintii “Sir Culus” Ee Moorgan Hargeysa Uga Diray Siyaad Barre 

Dhacdadii 20-ka Febarweri 1982 iyo Sababteedii

DALJIRE: Shaxdii Rayaale “Aabahood bay fuudka la cabbi. Maaha?”

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xog Ku Dhow-Dhow Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Dalka Imaaraadka Carabta

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


“Waanu Danaynaynaa Somaliland Waxa Ka Jira, Waayo Waxa Ka Socda Waxyaabo Cusub Oo Tijaabo Ah”

“Waxaanu Somaliland Ka Caawin Doonaa Hirgelinta Mashaariic Ay Ka Mid Yihiin Barashada Afka Faransiiska,” Thiery Choinier, Xoghayaha 1-aad Ee Safaaradda

Wefti Ka Socda Safaaradda Faransiisku Ku Leeyahay Djibouti Oo Dalka Booqasho Ku Jooga
Hargeysa, February 21, 2008 (Haatuf) – Wefti uu hogaaminayo Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Faransiisku ku leeyahay dalka Djibouti, Mr Thierry Choinier, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland Axaddii dhaweyd ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay iskaashi dhinaca dhaqanka ah ula yeelan lahaayeen guud ahaan Bulshada Somaliland, gaar ahaan dadka ku hadla Afka Faransiiska.

Xoghayaha 1-aad oo socdaalkiisa ay ku weheliyaan U-qaybsanaha Arimaha Dhaqanka ee Safaaradda, Dominique Mondoloni iyo Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Faransiiska ee Djibouti, Maurice Brouard, waxa uu yidhi “Waxa jirtay oo aanu ognahay in Somaliland ay muddo dheer ku soo dhaqnaayeen dad ku hadla Afka Faransiiska, kuwaas oo badankoodu ka mid ahaa askartii ciidamadii Faransiiska, iyada oo socdaalkaygani daba-socdo booqasho xaqiiqo-raadis ahayd oo wefti Faransiis ahi bishii October, 2007 ku yimid Somaliland, hadda’se waxaanu Somaliland ka caawin doonnaa sidii looga hirgelin lahaa mashaariic barashada Afrka Faransiiska ah”.

Mr. Choinier waxa uu intaas ku daray in mashaariicda ay gacanta ka geysan doonaan ay ka mid yihiin barnaamijyo lagu horumarinayo wax-barashada iyo barista afka Faransiiska ah, taas oo hirgelintooda ay iska kaashan doonaan Ururka Dadka Af-Faransiiska ku hadla ee Somaliland iyo dhinacyo kale oo ay ka mid yihiin dugsiyada iyo jaamacadaha danaynaya waxbarashada afka Faransiiska.

Siday diblomaasiyiinta Faransiisku Haatuf u sheegeen, waxa mashaariicda lagu horumarinayo waxbarashada afka Faransiiska qayb ka noqon doona goobaha waxbarashada loogu deeqo buugaagta wax laga baranayo.

Hawlahan oo fulintooda ay door weyn ka ciyaari doonto Xarunta Dhaqanka ee Faransiisku ku leeyahay magaalada Djibouti, kuma koobnaan doonaan dadka reer Somaliland ee af Faransiiska ku hadla oo kaliya, balse sida uu Choinier noo sheegay waxa iyaguna ka faa’iidaysan doona qaybaha kale ee bulshada Somaliland, sida Fanaaniinta iyo Kooxaha Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland oo kale. Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Ujeedadayadu maaha in afkayaga oo kaliya la horumariyo ama dadka reer Somaliland ee af Faransiiska ku hadla oo kaliya gacan la siiyo, balse waxa waajib ah in dhaqanka Somaliland qudhadiisana la horumariyo”.

Diblomaasiga reer Faraans oo arintan faah-faahinayaa waxa uu yidhi “Tusaale ahaan waxa suurto-gal ah in aanu kooxaha Fanka iyo Hidaha ku marti-qaadno Djibouti, si ay uga qayb-qaataan bandhigyada dhaqanka iyo suugaanta ee ay qabato Xarunta Dhaqanka Faransiiska ee Djibouti ku taala”.

Haddaba, mar aanu diblomaasigan wax ka weydiinay xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Faransiisku halka uu marayo waqtigan xaadirka ah, waxa uu ku jawaabay in uu talaabo talaabo u soo korayo, waxaanu yidhi “Sidii aan saaka u sheegay wasiirka qorsheynta, socdaalkaygani maaha kii ugu dambeeyey, balse waa in loo arkaa inuu yahay mid bilow ah oo sii socon doona”.

Choinier oo ka hadlaya Viso ay Safaaraddiisu dhawaan siisay wakiilka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona dalka Faransiiska, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), ayaa arintaas ku tilmaamay talaabo cusub oo hore loo qaaday.

Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Faransiisku wuxu ugu dambeyntii yidhi: “Waanu danaynaynaa Somaliland waxa ka jira, waayo waxa ka socda waxyaabo cusub oo tijaabo ah”.
 

 


Madaxweyne Riyaale Oo Yimi Addis Ababa Kadib Markuu Soo Dhammaystay Booqasho Gaara Oo Uu Ku Tegay Imaaraadka

Hargeysa, February 21, 2008 (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Addis Ababa ka dib markii uu booqasho aan rasmi ahayn ku tegay dalka Imaraadka Carabta.

Sida ay baahisay shabakada Awdal News, Madaxweynaha waxa ku casuumay dalka Imaaraadka Carabta ku xigeenka Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Sheekh Xamdaan Binu Zayed Al-Nahyaan.

Waxa kale oo ay shabakadani sheegtay in weftiga madaxweynaha Rayaale hogaaminayay dalka Imaaraadka ku tageen Passport-ka Somaliland.
Sida ay sheegeen dad ku dhaw dhaw Daahir Rayaale, aad ayuu uga helay safarkiisa Imaaraadka, waxaanu ku tilmaamay inay ahayd booqasho wanaagsan oo si gobonimo lehna loo qaabilay.

“Masuuliyiinta Imaaraadku waxay aqbaleen inay na caawiyaan, isla markaana ay mashaariic ka horgeliyaan dalka” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Arrimaha Debada, C/laahi Maxamed Ducaale oo u waramayay shabakada Awdal news.

Mashaariicda ay wararku sheegeen in mashaariicda ay xukuumadda Somaliland ka dalbatay Imaaraadku ay yihiin wadooyin, biyaha iyo waxyaabo kale.

Waxa kale ay wararku sheegeen in madaxweynaha ay casuumado u soo direen boqorada xagga waqooyiga ee Imaaraadku intii uu joogay magaalada Abu Dhabi.
Weftiga madaxweynaha ayaa la filayaa inuu joogi doono magaalada Addis Ababa ilaa Sabtida toddobaadka dambe oo uu ku soo laaban doono Hargeysa.

 


Guulaha Xidhiidhka Ah Ee Barack Obama Oo Khalkhal Geliyay Ololihii Hillary Clinton

Washington, February 21, 2008 (Haatuf) – Senator-ka madow ee Barack Obama ayaa salaasadii dorraad ku guulaystay tartankii isag iyo Senator Hillary Clinton ku dhexmaray gobolada Wisconsin Hawaii, waxaanay guushaasi noqotay tii tobnaad ee uu si xidhiidh ah Obama uga gacan-sareeyo Hillary Clinton.

Guushan Obama u soo hoyatay waxay Hillary khasbaysaa inay ku guul ka soo hoyso codbixinta bilowga bisha dambe ka qabsoomi doonto gobolada Texas iyo Ohio.
Barack Obama oo ah nin ka soo jeeda dadka madow ee Afrikaanka Maraykanka, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay murashixii ugu awoodda badnaa taariikhda dadka madow ee jagadan ku tartamay, halka Hillary Clinton oo ah xaaska Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ay rajo ka qabto inay noqoto haweenaydii ugu horeysay dalka Maraykanka ee fadhiisata xafiiska ugu sareeya dalka ee White House-ka.

Xawaaraha tartanka oo sii xoogaysanaya, waxa uu Barack Obama u tallaabay inuu u dhaco dadkii taageeri jiray siyaasadda Clinton ee gobolka Wisconsin, isagoo kasbaday taageerada dumarka caddaanka ah ee gobolkaas oo la odhan karo si isku mid ah ayay u qaybsadeen. Waxa kale oo ay wareysiyo dadka lagaga qaaday goobta codbixintu sheegeen in Obama uu xataa kasbaday taageerada dadka codbixiyeyaasha ee dabaqada sare ee shaqaalaha.

Waxa iyaduna si cad u soo ifbaxday doorta taageerada ee ay inta badan shabakada telefiishanadu ku leeyihiin, kuwaas oo si kedis ah u joojiyay baahinta barnaamijkii ololaha ee Hillary Clinton, kadib markii uu Barack Obama bilaabay khudbad uu ka jeedinayay Houston.

“Isbedelka aynu rajaynayno waxaa weli inooga hadhsan bilo iyo maylal” Sidaa waxa yidhi Obama oo la hadlay dad isugu soo baxay habeenkii Salaasada magaalada Houston, isagoo dhinaca kalena balanqaaday inuu ku soo afjari doono dagaalka ka holcaya Ciraaq sannadka ugu horeeya ee uu fadhiisto xafiiska Madaxweynaha.

“Anigu waxaan dagaalka [Ciraaq] mucaarid ku noqday 2002, waxaanan soo af-jari doonaa 2009. hadda waxa la gaadhay xiligii ay ciidamadeenu dalkooda ku soo noqon lahaayeen” ayuu raaciyay Obama.

Mr. Barack Obama waxa uu codadkii la tirayay ee gobolka Wisconsin ku guulaystay ama ka helay 58% halkan Hillary ka heshay 41%. Gobolka Hawaii ayuu si weyn u muquuniyay Obama gabadha la tartamaysa waxaanu codadkii gobolkaas oo 100% la tiriyay ka helay 76%, halka Hillary Clinton ay ka heshay 24%.

Guulahan xidhiidhak ah ee Barack Obama waxay khalkhal geliyeen ololihii ay waday Hillary Clinton oo iyadu u arkaysay inay tirada ugu badan ee dadka cadaanka ah codkooda wada heli doonto, hase yeeshee Barack Obama ayaa hadda u eg inoo yahay ninka guusha ugu dhow ee loo filayo inuu noqdo murashaxa Madaxweynaha Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga.

 


Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweyne Lagu Lafa Gurayo Duruufaha Garsoorka

Hargeysa, February 21, 2008 (Haatuf) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ka furay shirweyne sanadle ah oo lagu lafo gurayo duruufaha iyo caqabadaha ka jira garsoorka dalka.

Shirkaasi waxa kale oo goob jog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Cadaalada, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer Ilaaliyaha guud iyo Taliyaha Ciidanka Bileyska, waxana ka qayb galaya Gudoomiyayaal Maxkamadeed, Garsoorayaal, Xildhibaanada Golaha Guurtida iyo Saraakiisha Ciidamada Bileyska iyo Asluubta, waxana shirkaasi oo socon doona Muddo Shan cisho ah fulintiisa iska kaashaday Wasaarada Cadaalada iyo hay’adda UDNP.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo shirweynahaasi ka hadlay ayaa iftiimin ka bixiyay culayska garsoorka saaran waxana uu yidhi “Masuuliyad waliba waa Garsoorka Maxkamaduhu waa halka uu ku dhamaado, Laakiin Garsoorku wuxuu ka soo bilabma meel Hoose oo aanu dadkii tabayn, balse ah halka uu ka aanay qaloocdo, horta halka uu ka qaloocdaa waa Saldhigyada Bileyska, haddii uu halkaasi ka qaloocdo, qaloocii wuu ku jirayaa ilaa Maxkamada sare haddii uu ka hagaagana waa laga arkayaa”.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Baadhuhu haddii aanu khibrad u lahayn waxa uu baadhayo cadaaladii meel ayuu kaga dhacayaa, haddii aan dib ugu noqdo dhaqankeenii caadiga ahaa ee hore geed baa la iskugu iman jiray oo lagu garnaqsan jiray, dabadeedna waxa la odhan jiray reer Hebel ayaynu is qaablaynaaye raggii inoogu Af dheeraa ee dacwada daadifayn lahaa ha la soo xulo, halkii la odhan lahaa kuwii inoogu muxsinsanaa ee inoogu cadaalada badnaa aynu geedka geyn lahaayeen, Magaaladii markii la yimidna waxa la yidhi dawlada waxaad inoogu darteen ka wax inoo gonaya hadda waa daalinkii”.

Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlayay sida cadaalad looga doonayo Madaxda waxa uu yidhi “Anagu haddii aanu nahay madaxdii oo aanu xad gudubno waxaanu la mid nahay xaakinada oo kale, waxaan hore uga sheekeeyay iso ka dhacday wadmada Carabta mdi ka mid ah, waxana la yidhi laba tuug baa xabaalaha dadka ku aasan kala bixi jiray Kaftanka, si ay u iibiyeen, waxay labadii tug la yaabeen garsoore walba oo dhinta oo ay xabaashiisa qodaan saddexdii ninba laba ka mid ah xabaalahoodu waa dambas oo midbaa ka badbaada, anagu haddii aanu madaxdii nahay iska saari mayno oo waanu ku jirnaa, waana uu ku jiraa ninka xeer ilaaliyaha qaraanka iyo Bileyskaba ahi”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in dal kasta horumarkiisa laga qiimeeyo cadaaladiisa, waxana uu yidhi “Maalinta cadaaladu hagaagto ee ay toosto wadankii wuu toosay, Magaalooyinka waxa jooga qaar u yidhaahda yaanu been ugu dhaaranaa oo aanu u gubanaa, horta shaqada garsoorku ma aha mid fudud waa mid haddii aad ku toosnaato aad leedahay laba Ajar, haddii aad qaloocisana laba dambe aad gelayso”.
Yaasiin wax auu gudoomiyaha Maxkamada sare faray inuu xabsiga u taxaabo kooxaha shaqada ka dhigtay inay markhaati been ah u furan dad ay dacwado kaga jiraan Maxkamadaha dalka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku booriyay garsoorayaasha iyo hawl wadeenada Maxkamadaha inay ka soo baxaan xilkooda, isagoo balan qaaday in aanay xukuumadu aanay waxba ka hagran doonin sidii ay wax ula qaban lahayd.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu u soo jeediyay hay’adaha Garsoorka inay cashuurihii Maxkamadaha.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Xasan Cali Casoowe, oo shirkaasi ka ahdlay ayaa sheegay in cabasho kasta oo jirta hadana garsoorku ay saldhig u yihiin Nabad gelyada, waxana uu yidhi “Cabasho kasta ha jirtee Nabad gelyada waxa saldhig u ah garsoorka, culays aad u balaadhani wuu ka jiraa garsoorka, dacwadaha ciqaabta ah Xeer ilaalinta guud s oo maray sanadkii hore sida uu Xeer ilaaliyuhu sheegay dadka ku qoran ee u shaqeeyana waa 11 qof”.

Casoowe waxa uu tilmaamay in culays balaadhani haysto hawl wadeenada hay’adaha garsoorka, waxana uu yidhi “Sanadkii oo ah 365 cisho, haddii loo eego dacwadaha ku soo hagaagay Xeer ilaalinta guud oo ka kooban 11 qof, 52 Maalmood waa Jimce, 10 Maalmoodna waxa aanu ka soo qaadnay Maalmaha Fasaxa ah, 30 cisho oo Bisha Ramadaan ahna waa Fasax garsoorku, 273 maalmood ayaa soo hadhay markaa 11-kaas ee Xeer ilaalinta waxa maalin walba ku soo hagaagaya hal dacwad oo ciqaab ah, Maxkamaduna waa sidaas iyo si leeg”.

Wasiirka Cadaaladu waxa uu sheegay in shirkan looga dan leeyahay sidii dhinacyadii garsoorku khuseeyaa ay isula eegi lahaayeen duruufaha garsoorka iyo kala cabashada wada shaqayn tooda ku wajahan.

Axmed Xasan Cali waxa uu sheegay in dawladu aanay qaadan qaar badan oo ka mid ah cashuurihii ay xaqa u lahayd waxana uu yidhi “Awoodeenu waa wax yar, cashuurtii ay xaqa u lahayd dawladu ma qaadato, waxana weeye in cashuurihii ay dawladu inay wada hesho, dhaxalka oo dhan cashuur kama qaadato, Xawaaladaha Cashur kama qaadato, Shirkadaha Telefoonada Cashuuraha qaarkood kama hesho”.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Xirsi Ismaaciil “Oomane” oo shirka ka hadlay ujeedada shirka loo qabtay waxana uu yidhi “Shirkan oo ah kii labaad ee sanadle ah oo aan ku doonayno in bahda garsoorku ay isku saxaan ama isku turxaan saaraan, maxaa yeelay haddii aan shaqada laga tashan waxay keenaysaa turaan turo badan”.
Gudoomiyaha Maxkamada sare waxa uu ka hadlay tirada Maxkamadaha dalka, waxana uu yidhi “50 Maxkamadood ayaa Somaliland u furan deegaan kasta oo degmo ah Saylac ilaa Taleex, meel degmo ah oo aanu garsoorku Magacweyni waxa aan filayaa inay tahay Mandheera, oo aanu ka wada hadalnay”.

Maxamed Xirsi oo ka hadlayay dhaqaalaha Maxkamadaha dalka waxa uu yidhi “Miisaaniyad looma hayo oo duruuftu way adag tahay oo hadana waxa aanu nidhi cadaalada aan fidino oo dadka ha loo helo nin geed u fadhiista oo u kala garqaada, 50 Maxkamadood ayaa dalka ka furan, waxana ka hawl gala 94 garsoore iyo 11 Xeer ilaalinta ah waxana ay isku noqonayaan 105 Garsoore, Maxkamada Sare waa 11, Maxkamadaha Racfaanku waa 15, Maxkamadaha Goboladuna waa 22, Maxkamadaha degmooyinkuna waa 47, intaasi weeye garsoorka dalka ka shaqeeya”.

“Garsoorayaasha bedelka loo sameeyay waa 10 garsoore, garsoorayaasha ku meel gaadhka u shaqeeyaa waa 15, shaqaalaha Maxkamaduhu waa tiradaas Marka laga reebo kaaliyayaasha” ayuu intaasi raaciyay Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Maxamed Xirsi Ismaaciil, oo ka hadlayay dacwadaha Maxkamada sare soo galay sanadkii 2007, waxa uu yidhi “Iyadoo Maxkamad waliba ay keeni doonto Maxkamada sare oo kale waxa naga dhamaaday 228 dacwadood, waxana noo yaala 204 Kiis, dacwadahaasi aanu dhamaynay iyo kuwa noo hadhsan qaarkood waxa ay soo jiitamayeen Muddo shan sanadood ah, dacwadaha sanadkan oo kale Maxkamada sare soo gaadhay 207 kiis oo madani ah iyo 48 Kiis oo Ciqaab ah, duruufaha aanu shirka u qabanay ayay ka mid tahay sidii loo xkamayn lahaa”.

Maxamed Xirsi waxa uu amaanay shaqada garsoorayaasha dalka, waxana uu xusay in Maxkamadaha dalka ay haysato dhibaatooyin dhinaca adeega ah, waxana uu yidhi ‘Adeega ayay dhibaato ka jirtaa 50-ka Maxkamadood waxay leeyihiin 4 Baabuur, Maxkamadaha Hoose oo dhami ma laha wax gaadiid ah, garsoorayaashu ma helaan goobo ay ku qaadaan dacwadaha”.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa sheegay inuu rajaynayo in shirkan ay ka soo baxaan qorshe wax ku ool ah oo wax ka tari kara hab socodka garsoorka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Cirro oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shirkaas, waxana uu sheegay inuu soo dhawaynayo go’aamada ka soo baxa.

 


 Maamulka Gobolka Sanaag Iyo Degmada Ceerigaabo Oo Ka Dayriyey Abaar Ba’an Oo Gobolkaas Soo Food-Saartay

Ceerigaabo, February 21, 2008 (Haatuf) – Duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Nuur Faarax iyo ku-simaha badhasaabka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid ayaaa shalay shir-jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteren xafiiska degmada, ayaa waxay ku sheegeen inay degmooyinka gobolka saamaysay xaalad-abaareed oo aad u daran, ha sii kala daraadeene.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay duqa degmada Ceerigaabo oo tilmaamay inay gobolka ka jirto xaalada abareed oo aad u daran, waxaanay gaadhay buu maayarku yidhi heer ay xooluhu dhintaan. Wuxuu kaloo sheegay maayarku inay iyana biyo la’aani ka jirto oo xataa dhulkii lagu baxsan jiray ee buuraleyda ahaa ay xaalufeen, sababta oo ah buu yidhi waxaan ka di’in roobabkii gu’gii iyo dayrtii labaduba, dhulalka xeebta ahna waxaaba u sii dheer shubano ka dilaacay, wasaarada caafimaadka iyo bisha casiba way soo arkeen dadkii oo jiif jiifa.

Wuxuu sheegay duqa degmadu inay qabteen wixii ay qaban karayeen, balse wuxuu xukuumada Somalilland iyo hay’ada caalamiga ahba ka codsaday in ay la soo gaadhaan gobolka gargaar degdega.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay ku-simaha badhasaab ka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isna dhinaciisa ka waramay xaalada abaareed ee ragaadisay 11-ka degmo ee gobolku ka kooban yahay. Wuxuu kaloo sheegay gudoomiyuhu in dagaalada ka dhacay goboklka la dariska ay saamayn ku yeesheen qaxoontigoodii oo culays gaadhay in ka badan 18 tuulo, horena ay ugu soo gudbiyeen xukuumada, balse aanay wax jawaaba ka hilin iyo hay’adaha caalamiga ahba.

Shirkaa jaraa’id kadib, mar saxaafadu gudoomiyaha wax ka waydiisay sababta xal loogu hali waayay lacagta faalsada ah ee gobolka ku baahaay iyo waxaa loo keeni waayay lacagta dalku leeyahay, wuxuu ku jawaabay “waa ku talo jiraa in lacagtan gobolka la keeno, balse Togdheer baa inaga horaysa, iminkana waaba ka shaqaysaa gobolka”.
 


 NASASHADA WARGEYSKA

Macmacaanka Oo Laga Joojinayo jeelasha New York

Muddo badan oo lagu hawlanaa haatan waxaa muuqata in caafimaadku ka wanaagsanaan doono sidii uu awal ahaa.

Nidaamka soo baxay ee quudinta jeelasha oo ay ku jirto in aan lagu darin macmacaanka, subaga iyo caano fadhiga ayaa waaxda anshaxu waxay doonaysaa in lagu bedelo waxyaabo caafimaadka uga wanaagsan kuwii hore.

Quraacda ayaa laga yaabaa in lagu soo daro khudrad cusub, roodhi wada budo ah iyo qabadi la solay.cashadana hilib solay ah oo la saafay, bariis iyo kaaroot la bayliyey.
“Dadkani anagay gacantayada ku jiraan mana haystaan xoriyad ay wax ku door doortaan markaa waa waajib na saaran in aanu maqashiino in ay wax doortaa” sidaa waxa yidhi Martin Horn oo ah madaxa waaxda gudida anshaxa.
Arintani waxay muujinaysaa in yaamiskii bilaa macaanka ahaa ee la filayay in uu bedelo kii macaanka lahaa ee loogu talogalay 14,000 oo maxbuus ee jeelku qaado ay haatan ka wanaagsan tahay.

“Ma lihin doorasho balse waxa weeyi in aad cunto waxa laguu soo fidiyo way dheeli tiran tahay markaa waxa aan filayaa in ay caafimaad leedahay” ayuu yidhi Christopher Alberk oo ah 40 jir jeelka ku jira.

Culaysiinta caafimaadka quudinta aad ayay uga qiimo badan tahay sidii hore oo ka koobnaa roodhi qalalan iyo cabitaan macaan ayuu intaa raaciyay Mr Horn.
“Qiimaha maxbuuska qalalka leh iyo ka macaanka qaba ayaa ahmiyad weyn la siiyay in ka badan caafimaadka kuwa kale inta aanu karno” Ayuu hadalkiisa ku xidhay Horn.

Top


 Nin 3 Daqiiqadood Gudahood ku galay laba shil gaadhi Oo Maxkamad La Horkeenayo

Nin la yidhaahdo Kuwaskum ayaa maxkamad lagu soo taagi doonaa dambiyo tiro badan oo ciqaab ah ka dib markii ay masuuliyiintu ku eedeeyeen in laba oo shil baabuur mudo saddex daqiiqo gudahood ah uu galay .

Shilalkani waxay dhaceen 6:30 kii pm sabtidii magaalada Lydon ayuu yidhi laba xidigle Mark Rupnik oo ah madaxa degmada Sheboyang ee waaxda Sheriffs ee dalka Maraykanka.

Ninka maxkamada la soo taagayo oo 43jir ah markii hore waxa uu jiidhay ishaaro isgoys tilmaamaysa, waxaanu isku tuuray badhtamaha wadada halka wadnaha, waxaanu duqeeyay gaadhi kuwa dusha banaan ah ayuu yidhi Rupink.
Saddex daqiiqadood wuxuu soo qabsanayay waddo kale oo weyn markii baabuur ciyaaraha loo adeegsado uu hirdiyey markaa ka dib ninkan waa la joojiyay waana la xidhay ayay yidhaahdeen waaxda sherrifs.

Labada darawal ee kale ee mid waliba waxa uu qabaa dhaawacyo fudud, waxaana midkood la dhigay dhakhtar.

Ninkani waxa lagu qaadi doonaa denbiyo ay ka mid yihiin kaxeyn baabuur isaga oo sakhraansan oo aanay maskaxdiisu degenayn iyo baxsi ayay masuuliyiintu ku tiraabeen.

 


  Gaadhi Badda Gunteeda Maraya Oo Lagu Soo Bandhigayo Geneva

Gaadhi lagu dhex kaxaysan karo biyaha ayaa lagu soo bandhigi doonaa bisha fooda inagu soo haysa xarunta bandhiga baabuurta caalamiga ah ee Geneva.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday shirkad Swiss oo ah baabuurta soo saarta oo war arrintaasi ku saabsan soo saartay Jimcihii ina dhaafay.

Gaadhigan oo magaciisa la yidhaahdo “SQUBA) waxa uu u egyahay sida metelaada James Bond, waxaana sida uu sheegay Sancaanigiisa Rinspeed, waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee biyaha dhexmara.

Madaxa shirkadda Rindspead Frank Rindernetch ayaa sheegay in James Bond metelkiisa uu ku riyooday samaynta gaadhi noocan oo uu isticmaalo, balse haatan taasi rumowday.

“Soddon Sannadood ayaan isku dayay sida ay u suurta gelayso in la dhiso (Sameeyo) gaadhi biyaha hoosta socon kara” ayuu ku yidhi Rindernecht hadal qoraal ah oo uu soo saaray, waxaanu intaa ku daray “Hadaanse riyadaasi run baanu ka dhignay”.
Gaadhiga kuwa raaxada ah ee ciyaaruhu “Sports” wuxuu isku bedelay gaadhi biyaha hoostooda dusa oo ay rakaabkiisu ku neefsan doonaan qalab loogu talo galay.
“Run ahaantii may ahayn wax hawl yar in la sameeyo gaadhi biyaha muquurta oo leh awooda uu ku dhex dabaalan karo biyaha hoostooda”. Ayuu yidhi Rinderknecht, waxaanu intaa ku daray “Caqabada ugu adagi waxay ahayd curinta muquurta in gaadhigu biyaha hoostooda u quuso sida kaluunka”.

Gaadhigani wuxuu dhererkiisu yahay 10mitir oo biyaha hoostooda ah, loona qaabeeyay hab dusha la furi karo marka khatari timaado, waxaana warbaahinta loo bandhigi doonaa 4-ta bisha March, halka dadweynahana la tusi doono muddo toban maalmood ah 6 ilaa 16-ka March, iyada oo lagu soo bandhigi doono xarunta baabuurta lagu bandhigo ee caalamiga ah ee Geneva ee dalka Switzerland.
 


 Lambar baabuur oo Lagu Kala Iibsaday $14 milyan Dalka Imaaraadka

Qiimaha lambar aan macno caynkaas ah lahayn oo ah taarikada baabuurta ayaa qiimihiisu gaadhay meel aan weligeed hore loo arag, ka dib markii sabtidii la kala siistay lambarka taarikada gaadhi oo aan waxba lahayn, marka laga reebo inuu lambarkiisu yahay “1”, waxaanu qiimihiisu ku joogsaday $14Milyan, xarun samafal oo ku taala magaalada Abu dhabi ee xarunta Imaaraadka Carabta ayaa lagu kala iibsaday.

Saciid Khouri oo xubin ka ah qoysaska Ilaahay maalka ku manaystay ee Abu Dhabi ayaa ka hadlay gawaadhidiisa iyo lambarkanba, waxaanu yidhi “Waxaan u iibsaday inuu yahay lambarka ugu wanaagsan” waxaanu Saciid oo Ilaahay ku galaday qoyskiisa shirkad dhisme oo ay leeyihiin yidhi. “Waxaan u iibsaday aniga oo doonaya inaan noqdo ka [qofka] dunida ugu wanaagsan”.

Dalka Imaaraadka oo uu Alle Saliida hodan kaga dhigay wuxuu ciyaaraha noocan ah bilaabay May-dii kal hore, waxaana lambarkan la kala iibsaday uu ahaa lambar keli ah oo aanay ka muuqan, hase yeeshee lambarka Khouri iibsaday waa tiro keli ah oo aanay xarfo la socon.

Qiimahani wuxuu kabaha la dulmaray kii ka horeeyay oo la kala siisay $6.8, kaasi oo ay ku qornayd farta taarikada Imaaraadka oo ahayd No. “5” oo aanay lahayn qoraal far xarfo Carabi ah ama tirooyin kale toona.
 


 Duruufo Dhaqan Dhaqaale Oo Caqabad Ku Noqday Waxbarashada Carruurta Danyarta Ah Ee Hargeysa  

Hargeysa, February 21, 2008 (Haatuf) – Duruufaha dhaqan dhaqaale ee ay wax ku bartaan ayaa caqabad ku noqday kumanaan carruur ah oo ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay dugsiyadii dawladda ee ay wax ku baranayeen ku filaan waayeen amaba qalab loo waayay fasaladii ay wax ku baranayeen.

“Ardayda waxay ku noqotaa niyad jab, marka ay buulkaasi yar jaajuur ku dhex fadhiistaan, ee ay siigaduna ku dhacdo, waxaanay taasi sababtaa inay imanba waayaan fasalkii” Sidaa waxa yidhi, Maamulaha Dugsiga Maxamed Cali Dayib, Mr. Maxamed Dube Cilmi oo todobaadkan horaantiisii ugu waramayay weriye ka tirsan Haatuf oo halkaasi ku booqday, isla markaana wax ka weydiiyay xaalad arday ka badan 105 arday oo buul yar oo ay dhismihiisa iska kaashadeen maamulka Dugsiga iyo waalidiinta ardaydu wax ku barta.

Dugsiga Maxamed Cali Dayib oo ku yaala xaafadda Sheekh Muuse Ducaale ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxa dhigta arday ka badan 670 arday, oo isugu jira fasalada 1 ilaa 7, macalimiinta ka dhigta iyo maamulkiisa intooda badanina waa dhalinyaro, kuwaasi oo markii weriyaha Haatuf booqday uu kula kulmay iyaga oo dhammaan fasalada ay ardaydu wax ku baranayeen ay macalimiini ugu wada jirtay.

Kuraasida ay ku fadhiistaan ardayda Dugsiga Maxamed Cali Dayib, waa qaar duug ah, isla markaana wada jajaban oo ay ardayda iyo macalimiintu wada kab-kabteen intii awoodooda ah.

Hase yeeshee duruufaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin bahda waxbarashada Dugsiyada dawladdu kuma koobna oo keli ah Dugsiga Maxamed Cali Dayib, balse qaar badan oo ka mid ah dugsiyada dawladda ee ku yaala magaalada Hargeysa ayaa ay ardaydu dhulka fadhiistaan.

“Ugu yaraan laba fasal ayay ardaydu subax walba badhida sibidhka saaraan dugsigan, waxaana guud ahaan dugsiga dhigta 1200 arday” Sidaa waxa yidhi, Siciid Axmed oo ah maamulaha Dugsiga Axmed Dhagax ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa oo dhawaan Wargeyska Haatuf u waramayay, waxaanu maamuluhu intaasi raaciyay in fasalada bilaa kuraasta ah ee dugsigooda ay ka caawin doonto hay’adda SOS, isla markaasina ay kuraas uga samayn doonto looxa ka soo hadha dhisme ay xarun agoomeed meel aan sida uga fogayn hay’addu kaga dhisayso.

Sida Wargeyska Haatuf baahiyay, Dugsiga 31-ka May ee Hargeysa ayaa isagana ugu yaraan laba fasal loo xidhay kuraasi la’aan, halka ay ugu yaraan laba fasal oo kalena ardaydu ku fadhiistaan dhagax jaajuur ah oo ay iska dhaxleen muddo sannado ah.
Dhibaatada haysata waxbarashada dugsiyada dawlada waxa kale oo ka mid ah tirada ardayda ee fasalada oo aad u xad dhaaf, isla markaana aanay macalimiintu awood u helin inay wada gaadhaan dhammaan ardayda fasalka wada dhigata.

“Tirada ardayda dhigata labada gelin dugsigani waa 2300 oo arday, waxaanu dugsigu ka kooban yahay 20 fasal, waxaananu ugu dhignaa ardayda fasal iyo macalin, waxaana wax ka dhiga 38 macalin, dhammaan fasaladuna way wada buuxaan”. Sidaa waxa yidhi Maxamed Cabdi Jibriil oo ah maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cali Ibraahim oo Wargeyska Haatuf u waramayay 19/12/2007.

Tirada ardayda ee fasal walba dhigata ayaa ku dhaw in ka badan 60 ilaa 70 arday. Taasina waxa ay sababtay in macalimiintu marka ay laylis-yada siinayaan ardayda ay inta badan shaqo guri ugu diraan, balse aanay fasalka kaga shaqayn ardaydu, isla markaana ay maalinta labaad gebi ahaanteedba macalimiintu xiisada ku qaataan sixida laylisyada ay ardayda u direen. “Sixida Layliga Ardaydu Maalin Dhan Ayay Igu Qaadataa” Sidaa waxa yidhi, Macalin wax ka dhiga Dugsi ku yaala magaalada Hargeysa oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego oo Haatuf u waramayay 18/12/2007.

Caqabadaha kale ee ay carruurta ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo goboladuba la kulmaan waa fee-ga [lacagta dugsiga laga qaado ardaygiiba] oo aanay wada awoodayn carruurta ay da’doodu gaadhay waqtigii dugsiga la qori lahaa.
“Dugsi ma dhigto, sababta oo ah cid iga bixisa lacagta iskuulku ma jirto” Sidaa waxa yidhi, Musfate oo ah wiil yar oo ay da’diisu qiyaastii tahay 12 jir oo degan xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa.

Inkasta oo ay magaalooyinka waaweyn ee dalka ku nool yihiin kumanaan carruur ah oo aan waxbarashada aas-aasiga ah helin, ka dib markii ay waayeen cid ka bixisa fee-ga Dugsiga, haddana waxa jira boqolaal kale oo ay macalimiinta dugsiyada dawladda iyo mamaulkooduba siiyaan waxbarasho bilaash ah.

“Dugsigayaga waxa dhigta 240 arday oo aananu wax fee ah ka qaadin, sababta oo ah markii aanu waalidiintoodii u dirnay ee ay noo yimaadeen ee aanu xaqiijinay duruuftooda in aanay xataa raashinkiiba u haynin, dushoodana ay ka muuqato ayaanu go’aansanay in aanu ka dayno” sidaa waxa yidhi, maamulaha Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim, Maxamed Cabdi Jibriil oo ka waramayay xaaladda dhaqaalaha iyo lugta ay ku yeelan karto inay xataa ardaydu dugsigaba sidaasi kaga tagto. Waxaanu intaasi raaciyay “Ardayda dugsigayaga ka tagta iyaga oo aan dhamaysan waxbarashadu sidaasi uma badna, arrinta dhaqaalahana waanigaa kuu sheegay oo hoos baanu u eegnaa”.

Inkasta oo lacag fee ah laga qaado ardayda dugsiyada dawladda, isla markaana ay dawladda dhexe mushahar siiso macalimiinta dugsiyada, haddana sida ay macalimiintu sheegeen kuma filna lacagahaasi. “Horta waxa aanu soo saarnaa dad, laakiin ma jiro dhaqaale aanu odhan karno way ku filan tahay macalimiinta oo aanu qaadano” ayuu yidhi, Mr. Maxamed Cabdi Jibriil oo ka hadlayay duruufaha dhaqaale ee macalimiinta.
Marka laga yimaado duruufaha dhaqaale ee ay wehelka la yihiin macalimiinta iyo ardayda dugsiyadda dawladdu, waxa kale oo ay wararku sheegeen in marka laga eego xagga tirada fasalada ay la qabaan xataa dugsiyada gaarka loo leeyahay.

“Fasalkayagu waa 55 arday” sidaana waxa yidhi, arday yar oo wax ka barta dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ka hadlayay buux dhaafka fasalkooda.

Inkasta oo ay caqabadahan iyo kuwo kale oo aan tiro iyo xadi lahayni ku gedaaman yihiin haykalka waxbarasho ee Somaliland, haddana ma jirto amaba way yartahay cid ka hadashaa, haddii ay noqoto xukuumadda iyo haddii ay noqoto xisbiyadda mucaaradka ah, hase yeeshee, waxa bishii July ee sannadkii tegay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa urur siyaasadeed oo magaciisa la yidhaahdo Gud-Gude oo sheegay in siyaasadiisu tahay sidii ay carruurta Somaliland waxbarasho bilaash ah oo tayo leh u baran lahayd.

“Waxaanu mar walba ku hawlanahay sidii Carruurta Somaliland ay u heli lahayd waxbarasho bilaash ah, isla markaana xaaladda dhaqan dhaqaale ee macalinka iyo ardaygaba wax looga qaban lahaa, taasi oo ah wadada horumarka. Waxaananu ugu baaqaynaa dhinacyada siyaasadda Somaliland inay u soo jeestaan sidii carruurteena sibidhka ay ku fadhiyaan loogaga gurman lahaa, iyaga iyo macalimiintoodaba, haddii kale maalin aan maanta ahayn ayaa la garan doonaa”. Sidaa waxa yidhi, Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Gud-Gude oo aanu wax ka weydiinay sida uu arko xaalada qalafsan ee ay haatan ku sugan yihiin bahda waxbarashada Somaliland.


Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Oo U Kala Baxay Bari Iyo Galbeed, Si Ay U Soo Dhisaan Xafiisyadii Diwaan-Gelinta Iyo Doorashooyinka

“Komshanku Waxa Uu U Xilsaaran Yahay U-Garsoorida Doorashooyinka Ee Malaha Inay Soo Qiimeeyaan Ururo ”

Hargeysa, February 21, 2008 (Haatuf) – Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ahaan u-amba-baxayaan Bariga iyo Galbeedka gobolada iyo degmooyinka dalka, si ay u soo dhisaan xafiisyadii diwaan-gelinta iyo doorashooyinka ee dalka Somaliland, waxaanay xuseen inay isu-qaybin doonaan laba wefti oo ka kooban guddi farsamo oo isugu jira xubno ka kala socda xisbiyada qaranka, wasaarada arimaha gudaha iyo komishanka doorashooyinka, ayna u kala bixi doonaan lixda gobol, si ay u guda-galaan hawlaha ka horeeya diwaan-gelinta iyo doorashooyinka iyo magacaabida xubanaha maamulayaasha xafiisyadaasi.

Sidaana waxay guddidu ku sheegtay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta komishanka qaranka ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Maxamed Aw Yuusuf Axmed oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey ujeedada shirkoodani jaraa’id, waxaanu sheegay in ujeedada shirkoodu ay tahay in ay komishan ahaan cadeeyaan qaabka hawlaha diwaan-gelinta dalka looga qabanayo iyo faahfaahinta waxyaabaha ay ka soo qabanayaan gobolada iyo degmooyinka ee amba-baxa safarkoodan.

Gudoomiye Maxamed Yuusuf, waxa kale oo uu shirkoodan jaraa’id kaga hadlay arinta ururka Qaran iyo waxa komishan ahaan ay ka yeeli doonaan, waxaanu sheegay in komishan ahaan aanay iyagu u xilsaarnayn qiimeynta iyo kala saarida ururada dalka, balse ay shaqadoodu tahay ka garsoorida doorashooyinka, sidaas darteed buu xusay in arimahaasi aan komishanka lagala xidhiidhi karin, maadaama aanay u xilsaarnayn.
Ugu horeyn, guddoomiyaha guddida doorashooyinka Mr Maxamed Yuusuf, isaga oo ka hadlaaya qaabka ay u wadayaan hawlaha diwaan-gelinta waxa uu yidhi Waxaan jecelahay in aan idiin sheego in aanu u kala baxayno oo laba wefti u kala baxayan Bariga iyo Galbeedka gobolada dalka, hawsha aanu u baxaynaana waxa weeyaan in aanu soo dhisno xafiisyadii gobolada iyo degmooyinka oo ay noqdaan xafiisyo shaqaynaya, si ay noogu fududaato hawlaha culus ee saddexda marxaladood ah, sida diwaan-gelinta, doorashada madaxtooyada iyo ta dawladaha hoose. Waxa kale oo aanu soo dhisaynaa xubnihii wakiilada ka noqon lahaa xafiisyada gobolada iyo degmooyinka ee dhinaca diwaan-gelinta.

Hawshaas aanu qabanayno waxa weeyi hawl aanu kala tashanayno gobolada, degmooyinka iyo maamulada, waxgaradka, culimaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada oo dhan, si loo helo dad mudakar ah oo komishanka metela, isla markaana laysla ogolyahay. Anaga oo mudnaanta siin doona komishankii dadkii komishankii hore la shaqayn jirey, gaar ahaan kuwii xafiisyadooda iyo hawlahooda wax cambaarayn ah laga sheegin ee sida fiican hawlahooda u gutay. Waxa kale oo aanu u soo fasireynaa nidaamka diwaan-gelinta oo ah nidaam adag.

Waxaan rajaynayaa in illaahay inagu guuleeyo, xubnaha saxaafadana waxaan leeyahay hawshani waa hawl adag oo qaranku leeyahay, isla markaana dalkeenii u baahanyahay, markaa hadii aan laga wada qayb-gelin waxba kama suurto-gelayaan, mana fulin karayno anagu hadii aan saxaafad, shacbi iyo cid waliba aanay nala garab qaban, aduunyadaa in aanu ka iibino dimuqraadiyada oo dadku rabitaankooda ku doortaan.
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Mr Maxamed Yuusuf, waxa uu intaasi ku daray oo uu ka hadlay aragtidooda ku waajahan ururka Qaran, waxaanu yidhi Runtii komishanka doorashooyinku wuxuu u xilsaaran yahay ka garsoorida tartanka doorashooyinka, laakiin komishanku malaha inay soo qiimeeyaan oo ay soo eegaan haday ururo jiraan in ay ururadaasi shiruudii buuxiyeen iyo in kale, hawlahaasna waxa qaabilsanaan jirtay guddi nala siman anaga oo la yidhaahdo diwaan-gelin oo habkii aanu anaga soo marnay ku soo bixi jirey oo baarlamaanku uu siin jirey kalsoonida. Gudidii hada ma jirto, anagana nalooma xilsaarin, markaa hawsha xilka anaga naloo xilsaaray ee aan u igmanahay waxa weeyaan u-garsoorida iyo abaabulka doorashooyinka, taas ayaanu ku eegnahay, ma rabno in aanu cid kale durno, in aanu sharci ka turjunana xaq uma lihin, hay’ado ay arintaasi khusayso ayaa jira. Waxaan jecelahay in ummadda reer Somaliland sidaa u aragto, anagu waxaanu ku fadhinaa kalsoonida umada, hadii aany umadu kalsooni nagu qabin waxaan diyaar u nahay waxay umadu rabto in aanu halkaa ku fadhino.

Waxa kale oo shirkaas jaraa’id ka hadlay gudoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka qaranka Mr Xirsi X. Cali Xasan oo isna faahfaahin kooban ka bixiyey ujeedada ay u qabteen shirkoodan, waxaanu yidhi Shirkayagan jaraa’id waxa uu ku saabsan yahay in aanu cadayno, una faahfaahino qaabka diwan-gelinta loo qabanayo ama looga hirgelinayo wadanka, sida uu gudoomiyuhu tilmaamay iyo in aanu sheegno safarkayaga aanu u baxayno. Runtii ujeedada aanu u baxayno iyo meelaha aanu u baxayno gudoomiyaha ayaa faahfaahiyey, waxaanan jecelahay in aan ku daro hadii allaha awooda lihi ydihaahdo Berito ayaanu safarkayaga u baxaynaa, saddex gobol iyo saddex gobol baanaanu u kala baxaynaa, sidoo kale hadii aan yar iftiimiyo diwaan-gelinta qaabka loo diyaariyey iyo sida ay wadanka uga dhacayso, guddida doorashooyinku waxay diyaariyeen qaab ay u suurto-gelayso in wadanka looga qabto diwaan. Waxa la soo kireeyey dad khibrad iyo aqoon sare u leh diwaan-gelinaha, waxa la diyaariyey qaabab kala duwan oo ahy qaab manual ah iyo qaab computerized ah in lagu diyaariyo.

Guddida doorashooyinka qaranka iyaga oo ay wehelinayaan xubnaha wakiilada asxaabta ee u igman diwaan-gelinta iyo xubno ka socda wasaarada arimaha gudaha oo ku jirey gudidii farsamo, waxay isla qaateen qorshe ah in qaab computerized ah lagu diwaan-geliyo diwaan-gelinta wadanka, iyada oo laga bilaabayo gobol gobol, ama gobolba mar. Waxayna mudada diwaan-gelintu soconaysaa ay dhan tahay 45 cisho, oo u kala qaybsan 25 cisho oo la sii diyaarin doono gobolada iyo degmooyinka foomamkii dadka muwaadiniinta ah lagu sii sahlayay in macluumaadkooda lagu sii qoro, sidoo kale 5 cisho oo deg-deg ah ayaa gobol walba la mari doonaa oo la diwaan-gelin doonaa dadkii codbixiyeyaasha ahaa. Waxa xusid mudan oo intaasi ka dambeyn doonta 15 cisho oo wixii xaalxaala ama hubsiimadooda iyo sugitaankeedu ay khaldan tahay la sii joogi doono gobol iyo degmo walba, waxa la siin doonaa dadka noocaas waraaq ku meel-gaadh ah inta lagu hubinayo in qofkaasi mar hore is-diwaan-geliyey iyo in kale. Hadii dadka maankooda ay ku soo degdegto 5 cisho ma lagu dhamayn karayaa waxa aanu leenahay haa, waayo shan cisho dadka la diwaan-gelinayaa maah saqiir iyo kabiir ee waa diwaan-gelin codbixiye, waa dadkii codayn jirey maalin kaliya, ayaa shan cisho lagu diwaan-gelinayaa.

Arinka waxa isla qaatay sadexda xisbi qaran, wasaaradaha arimaha gudaha iyo waliba deeq-bixiyeyaasha, waxaanay gudidu maanka ku haysaa sidii ay u noqon lahayd wax suura-gal ah oo lagu guuleysto. Wakhtiga lagu dhawaaqayo diwaan-gelintu waxay ku xidhan tahay marka aanu sii deyno qandaraaska shirkadaha qalabka soft-work-ka keenaya aanu tartankii gelino. Marka aanu tartankaasi gelino waxa aanu ogaan doonaa wakhtiga ay qalabka ku keenayaan, markaanu wakhtigaasi helno ayaanu sheegaynaa maalinta iyo wakhtiga, anagoo sida sharcigu dhigayo u gudbin doona madaxweynaha si uu u soo saaro dikreeto madaxweyne.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay saddex xubnood oo ka kala socda sadexda xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo Kulmiye, isla markaana iyagu ah wakiilada xisbiyada ee diwaan-gelinta codbixiyayaasha kala shaqayn doona komishanka doorashooyinka qaranka, kuwaas oo dhamaantood mawqif isku mid ah iska taagay aqbalaada ama ogolaanshaha qorshaha komishanka doorashooyinku u diyaariyeen hawlaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxaany dhamaantood qorshahaasi ku tilmaameen mid ay asxaab ahaan la qaateen komishanka doorashooyinka oo lagu heshiis yahay.

Xubnaha wakiilada saddexda xisbi qaran oo kala ah Xuseen Axmed Caydiid, Cumar.Jaamac Faarax iyo Cabdilaahi Siciid Ismaaciil.waxay dhamaantood saxaafada iyo shacbiga reer Somaliland ee jooga gudo iyo dibadba u soo jeediyeen in ay hiil iyo hoo isla garab-taageen gudida komishanka doorashooyinka iyo guddiyada kale ee kala shaqeynaya hawlaha doorashooyinka, si bay yidhaahdeen doorasho xor iyo xalaal ahi uga hirgasho dalka.


Hawl-galkii Lagu Fashiliyay Warbixintii “Sir Culus” Ee Moorgan Hargeysa Uga Diray Siyaad Barre 

Yaa ka danbeeyey hawlgalkaa Maxaa se immika keenay ka hadalkiisa?

Jaamac Cali Cismaan

Somalidu waxay ku maah-maahdaa: ”Haddii lagu sheegana waa la is sheelaa, Haddii lagu sheelana waa la is sheegaa”

Adna Maandeeq
Micnahaagani
Meel loo saariyo
Maaro loo waa!
Maggowgaagiyo
Manfacaagii
Kuu miciiniyo
Kaa muraadsade
Irbad miiq gelin
u masoobee
Miyashada roon
Miyaanad aqoon?
Dal-le,

Waa laga yaabaa inaad isweydiiso waxa kallifay in fashilintii war-bixintii Moorgan hadda aan uga sheekeeyo, ugana gaabsaday inaan soo bandhigo muddo hore oo ay aad uga xiiso badnaan lahayd! Runtii waxaan jeclaa inay sidaas ku qarsoonaato oo ka mid noqoto guul ka mid ah guulihii faraha badnaa ee dadka Reer Somaliland soo hooyeen ee aan la kala sheegan. Mar haddiise rag looga qaateen ahi i soo gaadhsiiyeen in siyaasi ka mid ah halgankii kuwii ugu waaweynaa uu guushaas u nisbeeyay nin kale oo aan irbad dun u gelin, waxay anna ila noqotay inaan abaalgud taariikheed u magacdhabo duqeydii ka qayb qaadatay hawlgalkaas annigoo uga mahadnaqaya xilkasnimadii ay ka muujiyeen ilaalinta sirta shicibka Somaliland.

Waxaan rajaynayaa in ragga aan hoos ku xusi doono ee hawshan ka qayb qaatay i toosiyaan haddii aan wax ka boodo, sixi waayo ama illoobo.
Siyaasigana waxaan leeyahay, Jaamac Yarayaashu yaanay iska kaa galin, haddii aad ka maarmi wayday inaad cid ku sheegto, waa tan taariikhdii hawlgalkaasiye, ee adiguna saxo.

Xudunta hawlgalka:
Axmed Maxamed Tukaale (Barbaraawi)-Wakaaladda Korontada Xamar - ku dhashay Gabiley.
Bare Jaamac Cali Cismaan- Jaamacadda Lafoole.
Chief Flight Engineer Sulub Cabdillaahi Gurey- Somali Airlines
Mujaahid / Maxamud Cabdi Jiciir- UFFO Group

Xog-ogaalayaashii:
Xasan Xawaadle Madar- Maareeyihii Wakaaladda Baatrooka
Cali Cismaan Ismaaciil ( Cali Tuur)- Maamulaha Samater’s Bookshop
Marxuun Maxamuud Cumar Faras - Maamulaha Baar Xaraf
Cabdiraxmaan sh.Yuusuf sh. Madar- B/mushtari- Immikana Xubin Golaha Guurtida Somaliland
Jaamac Maxamud Cumar (Jaamac Sweden) – Wass.Arrimaha Dibedda – Immikana Xubin Komishinka Doorashooyinka Somaliland
Duuliye Cali Faarax Cilmi – Somali Airlines
Cabdirisaaq Xirsi ( Jaah)- Shaqaale Somali Airlines
Dareenkii ugu horreeyay ee Jiritaanka Warbixinta “Sirta Culus” ee Moorgan
Waxay ahayd habeen ay wefti Waqooyi –galbeed [Somaliland imika] loo diray oo ka koobnaa Marxuun Axmed Maxamuud (Laxwas), marxuum Maxamed Xawaadle Madar, Ashcari, iyo Axmed Kilaas Jaamac ka soo laabteen una gudbiyeen warbixintooda Keligii- taliyihi Siyaad Barre ee dirtay.

Maxamed Xawaadle ayaa noogu yimid guri aanu fadhinay isagoo doonaya walaalkii Xasan Xawaadle. Markuu Xasan baxayay ayaa nin raggii ka mid ah, una malaynayo inuu Cali Cismaan (Tuur) ahaa, ka daba tuuray hadal: “Waar bal noo soo warayso odayga.” Xasan markuu soo laabtay ayuu nooga waramay warkay weftigaasi u gudbiyeen Siyaad Barre iyo waxay kala kulmeen oo aanan halkan ku soo koobi karin.
Siyaad Barre markuu akhristay warbixintii uu waftigu soo qoray, ayuu intuu qoslay ku yidhi: “Haddaba ma kan baan rumaystaa mise kan.” Inta uu warbixin kale oo agtiisa taalay kor u qaaday oo uu ruxay.
Raggii goobtaas fadhiyay habeenkaas waxay aad uga faalloodeen qofka warbixintaas kale soo qoray iyo waxay ka koobnaan karto.
Shimbir kheyr qaba
Hal toddobaad kama soo wareegin markaan nin aanu si fiican isku naqaano oo la yidhaahdo Barbaraawi kula kulmay wakhti casar dheere ah goob in yar u jirta maqaamkii Dabaylweyne. Barbaraawi waa Axmed Maxamed Tukaale oo markaa ka shaqeynayay Wakaaladda Korontada, waana nin reer gabilay ah.
Salaantaanu iswaydaarsanay. Kaddibna wuxuu igu boobay su’aasha ah: “ Miyaad maqashay warbixinta Moorgan ka soo qoray gobolka waqooyi-galbeed, ee uu ogolaansho Afweyne ugu doonayo siduu u tirtiri lahaa dhaqaalaha shicibka, dadka ku dhaqan degaankaana u dhalan-rogi lahaa ee uu ugu beeri lahaa dad kale?” Markiiba waxa igu soo dhacday warbixintii habeenkiii aanu garan la’ayn cidda soo dirtay iyo waxay ku saabsantahay. Anigoo yaabsan ayaan Tukaale weydiiyay halka uu ka maqlay.
Tukaale wuxuu iigu jawaabay in nin ay saaxiib yihiin oo u dhashay beesha Abgaal, hayana xafiiska Xusuus-qorka Wasaaradda Arrimaha Guduhu inuu tusay oo uu akhriyayba.
Tukaale waxaan u sheegay warbixintaas inaan aad ugu baahannahay, lacag wixii uu ninkaas ay saaxiibka yihiin ku xidho warqaddaas nuqulkeedana aynu bixin doonno.
Tukaale wuxuu i weydiiyay waxaan ku falayo. Waxaan u sheegay in helitaanka warbixintaasi ay tahay habka keliya ee lagaga hortegi karo halisaha dadkeeni ku sugan yahay. Tukaale intuu yaabay ayuu igu yidhi, ninka haya warbixintu wax lacag ah oo aynu siinaynaa ma jirto, ee berri ayaan nuqul iiga samee odhan doonaa, waanu inoo soo samaynayaa.
Aniga oo ka baqdin qaba baadhitaanka ka daba iman kara soo saarka nuqulkaasi, ayaan Tukaale ka sii xog waraystay kalsoonida uu ku qabo ninkaasi iyo muddada uu xafiiskaa ka shaqaynayay. Tukaale wuxuu ii sheegay inay ninkaasi aad u saaxiib yihiin, xafiiskanna hal toddobaad oo keli ah ku-meelgaadh ahaan u joogayo. Waxaan arkay inay fursad aad u fiican tahay oo Allaha weyni nala soo doontay Fashilinta dulmiga ay wadeen. Tukaale waxaanu ku ballannay inuu nuqul warbixintaas ah uu berri ii keeno.
Habeenkaasi wuxuu igu ahaa mid aad u dheer oo aan lahaa Allow yaan waaga waraabe cunin. Kowda maalinnimo ayaan Tukaale ballansanayn, waxaan sii kambadhuudhsaday goobtii ballanta 11kii maalinimmo. Intaasna waxaaan Ilaahay ka baryayay inuu Tukaale ku soo guulaysto hawlgalkiisa. Markii waqtigii aanu ballanay la joogo ayuu ii soo muuqday isagoo qoslaya. Waxaan gartay inuu ninkii Barbaraawi ahaa ku soo guulaystay arrintii. Waatane iga guddoon ayuu igu yidhi. Waxa kaloo uu ii raaciyay Jaamacow maxaad ku samaynaysaa. Waxaan Tukaale ugu Jawaabay inaanan imika u sharxi karayn waxa ka soo bixi doona, hase yeeshee aan ku kalsoonahay helitaankeedu inuu wax ka tari karo baajinta dibindaabyada ay dadkeena iyo dalkeena u qorsheeyeen.

Tukaale wuxuu maalintaas ii raacshay inay jirto warqad kale oo uu ku saxeexan yahay Siyaad Barre oo uu ugu ogolaanayo dhaqangelinta taladii warbixinta ee uu soo dalbaday Moorgan. Waxaanu i weydiiyay in loo baahan yahay in iyadana la soo qaado. Anigoo ka baqdin qaba in lagu qabto haddii uu mar labaad ku noqdo, ayaan ku idhi xafiiskaasi haku noqon mar labaad. Adiga iyo anigu imika laga bilaabo isma naqaano, aniga iyo ninkaasna haysku kaaya sheegin, adiga iyo isaguna kala fogaada. Tukaale isagoo ka yaabsan waxa warqadani tari karto ayuu iga tegay.

Markaanu isku keliyaysannay aniga iyo sirtii cuslayd, ayaan ku akhriyay kuna nakhtiimay mar labaad gaadhigii aan watay dhexdiisa, kadibna waxaan ula kacay dhinacii uu iga jiray ninkii dareenka ugu horreeyay aanu ka helnay oo ahaa Xasan Xawaadle.
Waxaan xuf ku dhaafay Ilaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Xasan Cadde (Maxamuud Laangadhe) oo ay dul tuban yihiin dhowr xertiisii ahi, isagoo siduu caadada u lahaa shiishka ku haya Villa Somalia. Nasiib wanaag markaan galay gurigii Xasan oo Dabaylweyne ka rogan isagii baan la kulmay. Nin macrifad iyo shaqo badan ayuu ahaa oo ay adag tahay in firaaqo ama keli aad ku hesho. Markaanu is bariidinay ayaan u tebiyay warkii aan siday. Riboodhkii marka uu indhaha ku dhuftay intuu fajacay oo uu fadhigii aamini waayay ayaanu qolkii hurdada hore ugu sii gudubnay. Markuu akhriyay ayuu aad u qoslay, dabadeed wuxuu yidhi Ilaahay waa kashifay dhibaataday Faqashtu u maleegaysay dadkeena.
Waxaan hubaa in warkaasi maalintaa ka mashquuliyay Xasan iyo saaxiibkii Cali Cismaan (Tuur) munaaqibkii ay akhriskiisa kala rogan jireen.

Markaan Xasan ka tegay waxaan hore ugu gudbay dhankaasi iyo Baar Xaraf si aan uga soo ammaanaysto mashiinka wax lagu qoro (Typewriter). Marxuum Maxamuud Cumar Faras oo ahaa nin aan aad u aaminsannahay ayaan warkii ku taabtay, kadibna waanu isa soo raacnay oo gurigiisii ayaanu fadhiisannay. Gurigaas ayaan tarjumadda warbixintaasi ku qoray, waxaana maalintaas nagu soo biiray Khadar Xandulle Qaalib oo dhowr jeer i weydiiyay fara badnida waxan aan qoraayo maanta. Turjumiddii markaan maalintaas dhammeeyay, waxaan koobigii la ii soo sawiray ka masaxay fallaadhii tilmaamaysay xafiiska ay ku socoto, si aan u marin habaabsho cidda isu diraysa. Waxaan u dhaa-dhacay faras magaalaha si aan nuqullo uga soo sameeyo. Waxaan afar nuqul ka soo sawiray dukaan Shabeelle ku yaallay oo haddiyadaha iibin jiray (souvenir) oo nin Barre la yidhaahdaa lahaa. Waxaanan dukaankaas u doortay Barre ayaanu isnaqaannay, koobi mashiinka keli baan rogan karayay si aan cidi u arag bogga ay “SIR CULUSI” ku qorantahay.

Maalintii dambe waxaan u yeedhay duuliye Cali Faarax Cilmi si uu ugu hawlgalo sidii magaalada Hargeysa loogu baahin lahaa nuqullo badan oo warbixintaas ah. Duuliyuhu waxay ahayd inuu sii qaado koobiyo badan oo warbixintaas ah una gudbiyo Cabdiraxmaan Sh.Yuusuf sh. Mader si uu isna uga hawlgalo magaallada Hargeysa dhexdeeda oo uu gaadhsiiyo koobiyadaas goobaha odayada iyo dhallinyarada magaaladu isugu yimaadaan, si ay u ogaadaan, ugana tabaabushaystaan dabinka loo qoolayo. Qorshaha hawlgalkaas waanu ka baqannay laba sábabood awgood.

*Marka hore waxaanu is dareensiinnay inay dad badan oon waxba ka ogayn ay sahayan karto warqaddaasi, nacabkuna ugu marmarsoon karo inuu ku wax yeelleeyo nin-doorka indhaha ay ku hayaan.
*Mar labaad waxaanu ka baqannay in haddii ay soo shaac baxdo nagu adkaato dibbed u saarkeedu.
Talo waxay noqotay inaan dhinac kale arrinta uga wareegno. Mar waxaan ku tashaday inaan gacanta ka gasho safaaradda Maraykanka. Runtii intaan Qusulka Maraykanka galay oon is idhi u dhiib ayaan haddana iskaga baxay oo aan is idhi diblomaasiyiinta qaarkood xidhiidh shakhsi ah ayay la yeellan karaan dawladda ay la joogaan. Waxaan is idhi kan aad u dhiibaysaaba wuxuu noqon karaa kii gacanta ka gelinayay Faqashta. Taariikhduna way marag furtay malahaygii, sababtoo ah safiirkii Maraykanka ee ugu dambeeyay wuxuu caddeeyay inay taageerayeen faqashta, taas oo ahayd dantooda.
Iyadoo talo igu jiq tahay ayaan maalintii dambe la kulmay nin kooxdii UFFO ahaa oo markaas 6 sano oo xadhig ah ka soo laacay oo dibedda u dhoofaya. Ninkaasi wuxuu ahaa Maxamuud Cabdi Jiciir, Maxamuud oo habeen dambe oo kale u ambabaxaya Sucuudiga. Maxamuud waxaanu isku raacnay xeebta liido. Gaadhigii aanu wadannay intaan meel cidla ah joojay ayaan anigoon waxba u sheegin ku idhi akhri warqadda. Maxamuud markuu dhexda marayo ayuu ka soo booday warqaddii, dabadeedna cod cadho ku jirto wuxuu igu yidhi: “Waar maxaad u jeedaa?” isagoo moodaya inaan waxan anigu qorqoray. Intaan qoslay oo aan gartay inuu khalad fahmay, ayaan ku idhi anigu maan qorine waa sir culus oo inoo soo gacan gashay. Waxaanan doonayaa waadiga habeen dambe dhoofayee, inaad sii qaado!.
Lix sano oo xadhig ah nin immika ka soo baxay inay ku adagtahay la mar warqaddan qolka baadhitaanka ama inay qof walba ku adagtahay waan ogsoonaa. Maxamuud waxaan u sheegay inaan isagu la marayn qolka baadhista ee uu qof la socdaa ugu dhiibi doono markuu madaarka Jidda ka baxo.. Maxamuud waxaan ku idhi ma moogani taas, mana ku odhanayo adigu madaarka la mar. Waxaan doonayaa inaan cidda aad u geynayso kuu sheego, kana ballanno in aanad qof keliya ku odhan ninkaas baa ii soo dhiibay. Waxaan kuu sheegayaa haddii aad faani istidhaahdo, ogow inaad hog igu ridday. Waxaan ku idhi markaad ka baxdo garoonka Jidda, ayuu nin dhabarka kaa taaban doonaa, kuuna dhiibi doonaa warqaddan oo boqshad ku jirta. Waxaad warqaddan gacan ka gelin doontaa Injineer Cabdi Biixi Taarwali iyo Cabdiraxmaan Maxamed Yey. Markay ku weydiiyaan cidda kuu soo dhiibtayna, is yeelyeel oo dheh waar waan illoobay qofkii ii soo dhiibay. Mana ogid waxa ku jira.

Waxaan sii ogaaday in laba nin oo aanu aad isu naqaannaa ay ku jiraan kooxda habeenkaasi dayuuradda Jidda duulinaysa. Waxay ahaayeen Kaptan Cabdi Maxamed Rodol iyo saaxiib aad iigu qaali ah Injineer Sulub Cabdillaahí Gurey. Toddobadii habeennimo ayaan ugu tagay gurigiisa. Marwo Cadar C/salaan (xaaska Sulub) ayaan ku idhi mee odaygii. “Immika ayuu jiifsaday?” ayay igu tidhi. Xishood hadh habeenkaasi, intaan daf u idhi, ayaan ku idhi waxa caawa i wadaa waa arrin culus. Warqaddaa waxaan doonayaa Maxamuud Cabdi Jiciir oo diyaaradda caawa raacaya inaad gacanta ka geliso markuu ka baxo garoonka Jiddah. Warqadda haddii lagugu qabto Sulubow, waa dil iyo xoolahaagoo lala wareego. “Miyaad iska akhriyi?” ayaan ku idhi. “Waar akhriyi maayo oo way iga baqadsiinaysaaye boorsadaas ku rid,” ayuu igu yidhi. Intaan ku ridday boorsadii, Ilaahayna u baryay inay badbaado, ayaan jaanta rogay. Maalintii ka dambaysay waxaan Sulub ka ogaaday in warqaddii nabad gashay. Anniga halkaas baa iigu dambaysay, intaa yar baanu ku eekaa waxqabadkii hawlgalkaa kaga jiray.
Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) fasax ayuu dalalka Carabta ugu maqnaa muddadii hawshaasi socotay, hase yeeshee wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee aan ka helo warkii ugu farxadda badnaa ee aan filayay. Markii uu soo noqday ayuu ii sheegay in la helay riboodh Moorgan u dirayo Afweyne oo ku saabsan sidii loo liciifin lahaa dhaqaalaha shicibka w/galbeed, dalalka carabta dadkii joogayna arrintaasi aad bay uga cadhaysiisay. Jaamac waxaan tusay hal nuqul oo aan idhi soo tan oo kale maaha, halkanba waanu ku haynaa. Runtii wuxuu Jaamac ahaa nin wada haya sheekada sirtaas, saaxiib wanaagsan oo aamin ah, ruux lagu kalsoonaan karo oo aad sir ku aamini karto. Aadbuuna ugu mahadsan yahay sidii xilkasnimada lahayd ee uu muddada dheer u hayay sirtaas iyada ah.

Cabdirisaaq Xirsi (Jaah) wuxuu ahaa nin dhallinyar oo aan isna uga sheekeeyay arrimaha sirtaasi. Markii aan Xamar ka soo baxayayna gurigiisa kaga tegay buugaag faro badan
oo mid ka mid ah ay ku dhex jirtay hal nuqul oo riboodhkaas ah.
Xasan Xawaadle ayaa ii soo gudbiyay wargeyskii ugu horreeyay ee wax ka qora sirta culus, Wuxu ahaa “Defense & Foreign Affairs Daily” cadadkii soo baxay April 24, 1987. wargeysku wuxuu sheegayaa manbacii soo saaray inay warkaas ka heleen. Anna waxaan raacinayaa in warqadda tarjumada ay hayaan laba magac oo la soo gaabshay AFE, AYM iyo hal magac oo dhan oo ah BAODAAG ay ku qoran yihiin.

Markii wargeysyada aduunku Sir Culus qaadaa dhigeen, ayuu Tukaale oo yaabsani ii yimid isagoo u haysta in dadka fidiyey ee halkaas gaadhsiiyay inay i garanayaan. Wuxuu igu yidhi waar Jaamacow annigana gabayga igu dar. Waxaan ku idhi xil inala soo dersay uun baynu Ahmedow gudannay. Kula mid baan ahay oo anigaba cidi ima taqaanno. Waxaadse igu hallaysaa, halkii iyo goortii hawlgalkaas lagu soo qaado, inaan xilka weyn ee aad gudatay ka sheego.
Tukaale waxaan ka codsanayaa hadduu noolyahay inuu magacdhabo ninkii ay saaxiibka ahaayeen.ee suurtageliyay fashilinta dabinkii faqashta, si ay shicibka Somaliland ee uu u hiiliyay iyana u ogaadaan.

Qore:
Jaamac Cali Cismaan oo ku magac dheer “Jaamac Yare” waa muwaadin reer Somaliland ah, waxaanu isaga iyo qoyskiisu ay degan yihiin dalka Norway
 


Dhacdadii 20-ka Febarweri 1982 iyo Sababteedii

Sannadahaas badhtamihii toddobaatanaadka iyo bilowgii siddeetanaadka ee qarnigii aynu dhowaan sagootinney ee 20aad, waxa hoos u sii dhacayey heerkii bulsho-dhaqaaleed ee guud ahaan dadka iyo dalweynihii kala daatay ee Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya, waxaana soo kordhayey cadaadiska iyo cubbudhintii siyaasadeed ee taliskii Maxamed Siyaad Barre uu guud ahaan dadka ku hayey, gaar ahaanna kii dusha ka saarraa Gobolladii Waqooyiga (maanta Somaliland).

Hargeysa oo ahayd magaala madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddaas kala qubatay, waxa ku yaalley cusbitaal keliya oo ahaa dhisme uu ka tegey oo laga dhaxlay gumaysigii Ingiriiska ee geyigaas xukumi jirey. Cusbitaalku ma lahayn laydh. Marka haweeney foolanaysa la keeno waxa iftiin u ahaan jirey indhaha gaadhigii keenay oo inta albaabka la soo hortaago oo la istaadho la shidi jirey! Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha adeegga qaabbilsan ee cusbitaalkaas guud waxa ka badnaa bisaaska u soo hoyda ee isugu soo habar-wacday nadaafad darrada iyo dayaca rugtaas muhiimka ah ka jira, goob caafimaadna waxa uu uga ekaa cusbitaalku qubuuro beri hore abaadey.

Dugsiyada waxbarashada ee caasimadda labaad ayaa iyana indhaha isku sii qabsanayey. Waxa isku yuubnaa kuraasta fasallada dhex yaalla iyo dhaayaha ardayda ee aqoonta u jeellan. Ardayga fasalka 4aad ee dugsiga sare dhigtaa aqoon uma lahayn sida ay Ogsajiin iyo Haydarojiintu biyaha u sameeyaan marka falgal kiimikaad laga dhexaysiiyo. Shaybaadhaba (laabab) dugsiyadu badiba ma lahayn, kuwii lahaana habaas baa fuulay. Macallimiinba looma hayn ardayda. Tusaale ahaan wax macallimiin ah oo dugsiga sare maaddadda Fiisigiska ka dhigi kara, waxa gobolkaba ka joogey macallin keliya oo loo yaqaanney Siciid Fiisigis, Kimisterigana laba macallin oo keliya. Ma jirin gobolkaba wax buugaag ah oo daabacan oo ku saabsan manhajka waxbarashada dugsiyada. Caasimadda Muqdisho ayay ardaydu xilliga fasaxyada ka soo iibsan jireen buugaagtaas suuqa wadhatada ama cid uga soo dirta ka codsan jireen.
Dhaqaalaha caasimadda labaad ee Hargeysa ayaa sii ragaadayey oo curyaannimo sii gelayey sida kii waddankuba u sii basaasaayey. Ganacsigii suuqa xorta ahi muddaba wuu ka laallaa Hargeysa oo ahaan jirtey xarun baayacalmushteri oo dadkeeduna khibrad iyo hoodaba u leeyihiin hawadinta hawlaha ganacsiga. Frankafaluuto iyo LC dad gaar ah u xuurtaysan oo lagu naas-nuujiyo ayaa gaaggixiyey ibihii irmaanaa ee dhaqaalaha. Waxa is taagey koritaankii iyo kobocii magaalada Hargeysa. Waxa hoos u dhac ku yimi daryeelkii iyo dayactirkii waddooyinka, biyaha ama laydhka oo habeenna la waayo, habeennana saacado go’an meelaha qaar ka bidhiiqa.

Hoos u dhacaas oo si xawli ah isu soo tarayey maalin kasta sannadihii u dambeeyey, waxa uu toosiyey oo kiciyey dareenkii dadka, gaar ahaan waxa ka gilgishey garashadii aqoonleyda iyo waxgaradka reer Hargeysa. Waxa arrimahaasi kulmiyeen koox dhallinyaro ah oo ka mid ah macallimiintii, dhakhaatiirtii, shaqaalihii iyo baayacalmushterigii magaalada. Waxa ay daraaseeyeen inta dhibaatdu hoos u qodan tahay iyo sida ugu sahlan ee xalkeeda loo furdaamin karo. Waxa ay go’aansadeen in ay si iskaa wax u qabso ah ugu adeegaan dadkooda qanja bararku ku yuurursaday. Waxa ay la xidhiidheen maalqabeenkii magaalada intii Hargeysa ku sugnayd iyo intii ka haajirtey ee meelo kale ku noolaydba. Waxa kale oo ay la xidhiidheen maamulkii dawladda ee gobolka. Dhega-nuglaan iyo jajabnaan ayay cid kasta kala kulmeen in ay ka halaan marka laga reebo dawladdii dalka maamulaysey oo ku gacmo saydhay, kuna eedaysay in kooxdaas dhallinyarada ah ay ka dambeeyaan oo ku adeeganayaan wax ay ugu yeedheen ‘quwado shisheeye’!

Arrintaasi waxa ay soo dedejisay in dabayaaqadii sannadkii 1981-kii xabsiga loo taxaabo dhallinyaradaas oo lagu eedaynayo inay dumanayeen qarankii ay doonayeen in ay dhisaan. Ficiladaas samadawdarnimo waxa ay sababtay kacdoonkii ardaydu hagayeen ee Hargeysa ka dhacay bishii Febarweri 20-keedii sannadkii 1982 maalintii Sabti ee maxkamadda la keenayey dhallinyaradaas xidh xidhnayd. Eeg fadlan Maqaalka: Dhacdadii 20-ka Febarweri iyo Saamaynteedii.
Maalintaas waxa magaalada Hargeysa ka bilaabmay isa seeggii ugu weynaa iyo isku dhacii ugu riiqda dheeraa ee shacbiga iyo maamulayaashii xaaduqa ahaa ee taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxa la xidh xidhay dad badan, waxana si xoog ah loo cabbudhiyey dhawaaqii xorta ahaa ee dadweyne. Waxa aan xusuustaa tacshiiraddii rasaaseed ee nacweynida lahayd ee ciidamadii dawladdu noo adeegsadeen, waxa aan xusuustaa toogashadii naxariis darrada ahayd ee lagu diley ardaygii bannaanbaxyadaas ku geeriyoodey 20-kii Febarweri sannadkii 1982 duhurnimadii Alle ha u naxariisto’e Barre Xaaji Cilmi Axmed (Badho). Waxaan kaloo xusuustaa cidhiidhigii iyo diiqaddii siyaasadeed ee maalintaas Hargeysi gashay ee u sii jiitamey xaaladihii bandowga, dhaca iyo boobka, gumaadka iyo xasuuqa aan kala sooca lahayn ilaa laga gaadhayey dumintii iyo burburintii waynayd.

Dhacdada 20-ka Febarweri iyo Tognaanteeda
Dharaar saxeexeedu ku cad yahay baraarug iyo dhiirrasho waxa laga faa’iidaa geesinnimo hoosta ka xarriiqda astaan dulli diidnimo iyo sumad xaq dhacsi oo mintidnimo. Waxa ay 20-ka Febarweri iyo kacdoonkeedu baajiyeen dilkii toogashada ahaa ee loo maleegayey ku talo gal ahaan ugu yaraan qaar ka mid ah dhallinyaradii xidh xidhnayd oo halkii khaarajintu uga qoondaysnayd loogu beddeley xadhig dheer oo u dhexeeya 35 ilaa 23 sannadood, in kasta oo markii dambe muddo ka dib la sii wada daayey dhallinyaradaas cadaadiskii beesha caalamka iyo culayskii siyaasadeed ee gudaha awgood.

Maantadan qoyan, berrito iyo saaddambena 20-ka Febarweri waa siraad qofkii haystaa ku ifsan karo dariiq kasta oo muhmal iyo madmadow la yimaadda, waana digniin farta “murdisada” loo yaqaan ee gacanta aadmiga u taagaysa cid kasta oo si gurran ama gurracan u soconaysa. Waana taas ta keenaysaa in hadal haynteeda iyo ka taariikhaynteeduba saaxadda ku soo noqnoqdaan.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan


 DALJIRE: Shaxdii Rayaale “Aabahood bay fuudka la cabbi. Maaha?”

Qore: A. Geeljire Q. 3aad

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Daahir: Halkee baan maraynay bay ahayd? Haa. Burco. Haddii aan Habar Yoonis ka bilaabo horta wixii Cawil iyo Ina Sulub igu odhan jireen waxbaa iska beddelay. Laba arrimoodba way dhaceen. Waa mide adhigii aan qolada Isaxaaq siiya way ka xanaaqeen oo waxay igu odhan jireen waxaad Isaxaaq siisaa nooma tirsana haddaanu reer Burco nahay. Waa ta labaade waxaa meeshi ka dhex toosay niman maqiiqan oo Khadar Ambassador, Xuseen Egeh, Waabeeyo , Duur iyo qaar qaar kaloo badan. Markaa anigu waxaan Cawil iyo Ina Sulub ku idhi bay ahayd. Ina Sulubow haw maad odhan laandheere ayaan ahay? Adiguumbaan codkii Xirsi Cismaankaa sugayaa Aniga Bullaale oo mooyihiisa aan ka badinayn haygu hallayn. Meesha hayska joogo ayuumbaan idhaahdaa oo waagii horena marbuu madax ii ahaa waana oday iska macaan hayska tabar yaraadee. Wax kale ima anfacayaan.
Cawilna waxaan idhi bay ahayd. Adigu wixii aad Muse Carre ka soo reebi karto Gabboose, Ugaadh Cumar oo aad Xuseen Ismaacil la kaashato ayuumbaan kaa sugayaa.
Ceergaabo markay noqoto iyo Ceel Afweyn iyo illaa degaanka Sacad Yoonis iyo Gadhweyn. Arrinkaygo waa “nimanyahow Gadhweyn gaalo hayga raacina.” Sida ay Yusuf Tallaabo iyo Cawil ii sheegeen Iyaga anigoon codba weydiisan wuxuunbaan tilmaamaya sanduuqa Siilaanyo oo wuxuumbaan odhanayaa sanduuqaa Habar jeclo ayaa leh. Sacad Yoonis na waa la mid. Maxaa lagu sadqeeyayba odhan maayaan ee kayga ayuumbay ku shubayaan. Siciid Maxamed Nuur isagu sidii C/lahi Darawal ayuu hoosta uga daloolaa nimankaa waana oday oo wax badan u diri maayee ninkaan haystaa waa waa Oomane. Waa Guddoomiye Oomane.
Ninkii: Waar ma Habar Yoonis baad Ugaadh Cumar ka haysaa? Wallee waa laguu yaabaa?
Daahir: Adigu badelkooga waayi mayo ee aan Habar Jeclo Togdheer kaaga warramo. Horta waxaan lahaa markay arkaan ninkii Saleebaan sidaan u galay way xanaaqi oo inta Siilaanyo ka soo hadhayna way kaa dareeri, laakiin Badhasaabnimadii Cabdi Xuseen Dheere ayaa ku fillaatay Soolamadawdii. Igawalla xaafadaha ay degaan Kulmiye way ku shiidaan. Adigu markayga horeba iyaga wax badan kama sugayn laakiin kollay cid uun baan u diri.
Bari markay noqoto wixii Ceergaabo ka sokeeya Inankii “ninku” dhalay ayaa jooga oo iyada kama werwero. Inkasta oo aan mar mar ku idhaado “xataa anaa yaa Haamaan” oo uu anigana igu dayo bahasha.
Ninkii: Maxaa intaa kuu raaca?
Daahir: Dee waxa ii raaca waxyaabo badan oo aanan soo wada bandhigi karayne. Adigu iga daba kaalay aan aad u sheekaysannee. Anigu intaa doorashada ka hadhay kolba safar baan u bixi kolba albaab baan soo garaaci. Maraykankiina waxaan ku ballanay inay rag Congress ka ah ay dalka u soo diraan markaa dadku waxan fahmi mayo ee waxay odhan ictiraafkii buu keenayaa ee ha la doorto.
Ninkii: Dee haaye marka meesha laguugu yimaaddo ayuumbaad dadka daaqad xun ku dishaa. Wuu hurdda, sooma deign, cid baa la joogta, berry ii kaalay buu yidhi. Waxaas ayuumbaa nafta kuu keenaya. Bal waan kula soo xidhiidhi.
Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
(Fiiro Gaar ah)
Saddexdii qaybood ee is xigay ee ku magacawnaa Shaxda Rayaale waxay ku qornaayeen mararka qaarkood lahjado gobolo iyo degmooyin u gaar ah waxa kale oo ka buuxa magacyo beeleed iyo qabyaalad. Waxaan si xishmadle idiinku sheegayaa inaanay cidna si gaar ugu jeedin qoraaladu wax xumaan ahna salka ku hay nee ay ka tarjumaysay oo keliya waaqaca siyaasadeed ee dalka.)
 


 ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xog Ku Dhow-Dhow Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Dalka Imaaraadka Carabta

Tan iyo markii uu Madaxweyne Daahir Rayaale ka anba-baxay magaalada Hargaysa, isaga oo ku sii jeeda wadanka Ethiopia, isaga oo ka gaabsaday inuu sheego ujeedada socdaalkiisa iyo in socdaalkiisu Ethiopia oo qudha ku eegyahay iyo in uu wadamo kale u sii dhaafayo, waxaa soo baxayey muran iyo mad-madow ku saabsan ujeedada socdaalka Madaxweynaha, saxaafada dawlada taageerta sida website-ka (Qarannews) iyo website-ka (Boorama news) iyo kuwa kaleba, waxay sheegeen in madaxweynuhu Ethiopia sii marayo isaga oo u sii dhaafaya qaar ka mida wadamada Carabta oo uu marti-qaad rasmiya ka helay, sida wadanka Imaaraadka Carabta iyo Saudi Arabia iyo dalka Masar, ka dib waxay website-yadaasi sheegeen in madaxweynuhu ka degay magaalada Abu Dubai ee caasimada Imaaradka Carabta, isaga iyo weftigii uu hogaaminayey, iyaga oo (passport)kii Somaliland wata, halkaas oo si rasmiya madaarka inta laga qaaday dabeedna la dejiyey meelaha loogu talo galay dadka martida ah, iyaga oo arintaas ku tilmaayey inay tahay guul Somaliland u soo hoyatay iyo in maamulka xukuumadu jebiyay derbigii carabta ee 16 sanadood horyaaley, kadibna waxay website-yadaas dawlada taageeraa soo qoreen in madaxweynaha iyo waftigiisii qado sharaf loogu sameeyey guriga Sheekh Xamdan bin Zayed oo ah ra’iisal wasaare ku xigeenka dalkaas, isla markaasna ah madaxa ururka bisha cas ee Imaaraadka Carabta, dabadeedna lagu heshiiyey in ururka Bisha cas ee Imaaraadka Ccarabta ay mashaariic horumarineed ka fuliyaan Somliland, taas oo loogu adeegayo shacabka Somaliland ee baahan.

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo in badan ku nool wadanka isku taga Imaaraadka Carabta, wax badana maqli jiray in safarada madaxweynuhu inta badan debeda ku tago aan wax faa’iido ahi ugu jirin Somaliland, balse ay u badan yihiin dano shakhsi oo madaxweynuhu leeyahay iyo heshiisyo lala soo galo dilaaliin ka socda shirkado been abuur ah oo aan weli la arag wax ka hirgalay, ayaa waxaan is-idhi mar hadii in badan safarada madaxweynaha warar badan oo is khilaafsan laga sheegi jiray bal kan isku taxaluji in aad soo ogaatid ujeeda safarka madaxweynaha ee dalkan aad joogtid ee Imaaraadka carabta.

Aniga oo kaashanaya xidhiidh aan la leeyahay dhinacyo dhawr ah oo dalkan Imaaraadka ah ayaan horta waxaan ku bilaabay in aan soo ogaado bal madaarka wafdiga madaxweynuhu ka soo degay, waxaan markiiba soo ogaaday in wafdigu aanu ka soo degin madaarka Abu Dubail, Siday sheegeen saxaafada madaxweynaha taageertaa, laakiin ay ka soo degeen madaarka magaalada Dubai, iyaga oo la socda diyaarad Ethioppian airline ah, dabadeedna aniga oo mar ka shaqayn jiray qaybta (immigrationka) ee madaarka Dubai ayaan niman aanu asxaab nahay oo iyagu weli halkaas ka sii shaqeeya soona ogaan karaya qof walba oo madaarka ka soo dega magaciisa, dhalashadiisa, sifada dalka uu ku soo galay intaba, aan xidhiidh la sameeyey, aniga oo ka codsaday in ay ii soo ogaadaan bal inay jirto cid sidata passport uu leeyahay wadan Somaliland la yidhaahdo oo immigratoinka soo martay iyo haday jirtaba sifada ay dalka ku soo galeen.

Nimankii markiiba waxay ii soo sheegeen in aanu jirin wax passport ah oo Somaliland leedahay oo immigrationka soo maray iminka iyo waqti hore toona, halkaa waxa iiga cadaatay in madaxweynaha iyo wafdigiisuba aanay sidan passportka Somaliland, balse ay siteen paaspooro wadamo kale, intaa ka bacdi waxaan xidhiidh la sameeyeey nin aanu saaxiibnahay oo ah dadka wadanka u dhashay oo ka shaqeeya wasaarada arimaha debeda oo xarunteedu tahay magaalada Abu Dubai ee caasimada dalka Imaaraadka carabta, ninkaas oo ah hawl wadeen sare, soona ogaan karaya qof kasta oo dawlada imaaraadka marti u ah haduu yahay wafdi dal kale ka yimi iyo haduu yahay hay’ad ama shirkad ama shakhsi ama cid walba oo marti u ah dawlada Imaaraadka, sifo rasmiyana dalka ku yimid, ninkaasi iga war sug buu igu yidhi bal anigaa arintaas soo baadhayee. Ninkii maalin ka bacadi ayuu war igu soo celiyey, wuxuuna ii sheegay in aanay jirin haba yaraatee wafdi ama cid Soomaaliya ama Somaliland ka timi oo booqasho ama martiqaad ku timi dalka oo dawlada Imaaraadku ay ogtahay, sidoo kalena aanay jirin cid dawlada Imaaraadka ka tirsan oo qaabishay ama la kulantay ama la hadashay sifo rasmiya ama sifo kale toona midna madaxweyne ama wafdi ama shakhsi ama cid Somaliland ama Somalia ka timi.

Xogtaas oo aan aad iyo aad ugu kalsoonahay waxay si aan marnaba shaki ku jirin iigu cadaysay in imaatinka madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkan Imaaraadku uu yahay arin iyaga u gaara oo qudha ee aanay dawlada Imaaraadku wax shaqo ah ku lahayn wax faa’iido ahina aanay ugu jirin Somaliland iyo dadkeeda toona.

Aniga oo ah muwaadin dalkiisa aad ujecel, waan jeclahay in madaxweynuhu debedaha u dhoofo haduu u dhoofayo wax Somaliland anfacaya oo faa’iido ugu jirto haday tahay aqoonsi raadis iyo haday tahay dano kale oo qaranka khuseeya, laakiin in maalin walba lacagta cashuurta dadka masaakiinta ah ee wax daryeel ah aan haysan laga qaadayo temeshle iyo dano gaara debedaha loogu dhoofo oo marba lagu dego hotello five star ah wax la aqbali karayo iyo wax la eegan karayo midna maahaa, taas waxaa ka sii daran inamada yar yar ee inta lacag jeebka loogu shubo la leeyahay intaad ( computer) Canada iyo England la soo fadhiisataan been aan geedna loogu soo gaban soo qora oo waxaad tidhaahdaan madaxweynihii baa dal hebel marti qaad rasmiya ka helay oo dhoofaya sida kuwa maamuula website-yada (qarannews) iyo (waaheen) iyo (boorama news) iyo( goljano.com).iyo kuwo kaleba.

Umada reer Somaliland-na waxaan uga digayaa in aanay safar madaxweyne Rayaale debed ugu dhoofay aanay waxba ka sugin.
Khadar Cabdi Xuseen, UAE
 

Top