“2015-Ka Waxaa Noo Qorsheysan In Ilma Kasta Oo Da’da
Waxbarashada Gaadhey Waxbarasho Hello, Bulaxaarna 2002-Ii Ayaa Iskuul Laga
Dhisay”
Wasiirka waxbarashada Xasan Gadhweyne.
Gudoomiyaha Komishanka Sool Oo Sheegay In
Gobolkiisa Doorashadu Ka Wada Dhici Doonto
Maxaabiistii Lagu Soo Qabqabtay
Dagaaladii Ka Dhacay Laas-Caanood Iyo Dhaban-Saar Oo Cafis Lagu Siidaayey
Ururka Al-Shabaab Oo Lagu Daray Liiska
Argagaxisada Caalamiga Ah Iyo Jawaabta Ay Ka Bixiyeen
Gudoomiyaha Waxbarashada Awdal Oo Ka
Jawaab Ka Bixiyey Hadallo Dhawaan Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Beelaha
Gobolkaasi Kaga Cawdeen
“Waxbarashadu Harraad Uma Qabto Qabyaalad"
Koox Arday Ah Oo Macalin Masri Ah
Dhaawacyo Ugu Geysatay Berbera
Gudoomiyaha Komishanka Sool Oo Sheegay
In Gobolkiisa Doorashadu Ka Wada Dhici Doonto
Gobolnimada Gabiley Maxay Dadka Ku
Nool U Soo Kordhin Kartaa?
Faallo – Xuseen M. Faarax,
Boosaaso Oo Xalay Xaalad Colaadeed Ku
Seexatay, Markii Iska Hor-Imaad Dhexmaray Bileyska Iyo Ciidan Beeleed
Halkaasi Soo Galay
Maamulka Jaamacadda Cammuud Oo Sheegay
In Abwaan Gaarriye Shaqo Ugu Maqanyahay Jaamacadda, Waxna Aanay Ka Jirin
Warka Lagu Sheegay Erigiisa
Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo
Xukuumada Ku Eedeeyey Inaanay Ogolayn Doorasho Dhacda, Muddo Kordhina Ay
Qorsheynayso
Guddoomiyaha Komishanka
Doorashooyinka Oo Xilkii Iskaga-Casiley Arrimo Caafimaad Iyo Culeysyo Dusha
Kaga Yimid Awgood
NASASHADA WARGEYSKA
Germany: Bistoolad Rasaasi Ku Jirto
Oo Laga Helay Baaskiilka Carruurta Lagu Riixo
Gabadhii Galaafatay Badhasaabkii Hore
Ee New York Oo Khasaartay $1 Milyan
|
|
“2015-Ka Waxaa Noo Qorsheysan
In Ilma Kasta Oo Da’da Waxbarashada Gaadhey Waxbarasho Hello,
Bulaxaarna 2002-Ii Ayaa Iskuul Laga Dhisay”
Wasiirka waxbarashada Xasan Gadhweyne. |
Hargeysa, March 20, 2008 (Haatuf) - Wasiirka waxbarashada Somaliland Md:
Xasan Xaaji Maxamuud Xasan Gadhweyne, oo fadhigii shalay ee Golaha
Guurtida ay mudaneyaashu Su’aalo door ah ku waydiiyeen, ayaa ka waramay,
xaalada waxbarashada dalku halkay marayso, isla markaana sheegay in
degmada Bulaxaar 2002 dii Iskuul laga dhisay, hase yeeshee waxay
Mudanayaasha Guurtidu su’aalo ka waydiiyiin, arinkii Manhajka
waxbarashadii dugsiyada dhexe lagaga saaray taariikhdii halganka ururkii
SNM.
fadhigii shalay oo uu Gudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka golaha
guurtida Md: Sheekh Axmed Sh. Nuux Fure, oo ay fadhigaasi wasiirka
waxbarashada kale soo qayb galeen agaasimaha guud Cali Cabdi Odowaa iyo
Agaasimayaasha waaxyaha kale duwan ee Wasaarada Waxbarashadu ka kooban
tahay, ugu horeyn Md: Ibrahim X. Ciise Buux oo isagu hadkaasi Su’aashii
ugu horeysay ku waydiiyey wasiirka ayaa weydiiyay “maxaa idinka
qorshaysan Mustaqbalka, caalamka hore u maray in waxbarashadiisu heerka
ay marayso aad la jaanqadaan?”
J: Wasiirka: waxaa laynagu qeexay 20 ka dal ee aduunka ugu liita xaga
waxbarashada, xuquuq caalamiyana wuu leeyahay ilmuhu in uu waxbarasho
helo, waxaa jira dugsiyo badan oo ay macalimiinta , wax ka dhigaya
mushahar siiyaan jaaliyadaha dibada ku nooli, waxaa ka mid ah, Degmada
Alleybaday, shalay waxaan arkaayey nin Wariye ah oo jooga saaxil uu boga
kowaad kusoo qoray, Dugsi Waaba oo ay caruuri wax ku dhiganayso, isagoo
dhaliil ka dhigaayey, Bulaxaar 2002 ayaa dugsi casri ah laga dhisay, oo
uu ka mid ahaa 10 dugsi oo gobolka saaxil laga hirgaliyey, taasoo
wasaarada waxbarashadu iyadoo la kaashanaysa hay’adaha la yidhaahdo COPI
ay ka hirgalisay dugisyadii kale sidoodii ayey u shaqeeyaan, waryahaasi
dadkana muu wareysan, kamana warhayo in dugsi loo dhisay, wuxuu
kadhigaayey meel taariikh leh oo la iska ilaaway,anigu waan tagay
Bulaxaar, isguulkaas bulshada ayaa loo dhiibay oo la yidhi dhista, waxay
iskuulkaasi ka dhiseen Bulaxaartii hore oo kaabadihii iyo fooqyadii ay
ka taagan yihiin, ayey reer Bulaxaar kadhigeen, laba bulaxaarna way ka
dambeeyeen, waxaan waydiiyey barigii aan tagey waxa ay halkan uga
dhiseen, ilayn caruurta waraabahaa ku cuniye, oo bulaxaarka labaad
maxaad uga dhisi waydeen, waana 2002 dii iskuulkiina halkii ayaa lagaga
soo guuray, waraabaha gala, hase yeeshee ninkaa wariyaha ahi kamuu hadal
iskuulka hore ee la dhisay, oo meel la dayacay ayuu ka dhigay, hadana
qorshaha ayey noogu jirtaa inaanu iskuul labaad ka dhisno bulaxaar, oo
macalinkii iyo agabkii ayaa loo geeyey, waxaa noo qorshaysan 20015 in
ilma kasta oo reer Somaliland oo da’da waxbarashada gaadhay inuu
waxbarasho helo.
Yusuf Cawaale Oo suaal waydiiyey ayaa yidhi, maxaa idinka qorshaysan
dugsiyada farsamada gacanta ?
J: Waxaa noo qorshaysan in lixda gobol ee dalka, gobolkasta laga
hirgeliyo dugsi farsamo gacmeed, kii Burco waa la dhisay ee jarmalku
dhisaayey, kii hargeysana tababaro gaagaan, ayaa lagu qaataa, macalin
intii wax ka dhigi lahaana tababaro ayey qaateen.
Md: Cabdiqaadir Muxumed Xasan ayaa waydiiyey Manhajka waxbarashada
waxaad moodaa in dugsiyada gaarka ahi aanay ku dhaqmin, maxaa idinka
qorshaysan ?
J: Wasiirka: horta Roma maalin kaliya laguma dhisin, siyaasada
waxbarashada ee qarankana istaraajiyada ayaa inooga taal, waxbarashada
dadban iyo ta tooska ahiba dalka aad bay uga dhaqan galeen, dugsiyada
gaarka loo leeyahayna, waanu ku kaantaroolnaa ku shaqaynta manhajka,
waana arimaha noo socda ee wasaaradu u igman tahay.
Gudoomiyaha
Komishanka Sool Oo Sheegay In Gobolkiisa Doorashadu Ka Wada Dhici
Doonto |
Laascaanood, March 19, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha komishanka gobolka Sool,
Cabdilaahi Maxamed Shire (Laba go’le) ayaa sheegay in uu ku rajo weyn
yahay in dhamaan degmooyinka gobolka Sool uu ka kooban yahay ay uga
qabsoomi doonaan doorashooyinku si xor iyo xalaal ah.
Sidaas waxaa uu ku sheegay laba Go’le mar uu weriyaha Haatuf ee Gobolada
Bari Axmed Aadan Yuusuf ku booqday xafiiskiisa Laascaanood, waxaanu
gudoomiyuhu xusay inay taas u suurta galisay gacan ku haynta Somaliland
ee inta badan Gobolka Sool, waxaanu yidhi “Doorashooyinkii hore gobolkan
intiisa badan oo ay ku jirto magaalo madaxdiisu kama ay dhicin, balse
maanta waxaan aad ugu raja weynahay, inay si wanaagsan oo xor iyo xalaal
ah uga dhacdo doorashadu si la mid ah gobolada kale ee Somaliland, waayo
hadda gobolka intiisa badan waxaa gacanta ku haysa Somaliland, waxaana
ka jira amni iyo kala dambeyn. Run ahaantii waxaanu ku wadnaa inay
laascaanood doorashadu uga dhacdo sida Caasimada Hargeysa si la mid ah,
arintaasna waanu ku hawlanahay.”
Gudoomiyaha oo la waydiiyey bal in uu sheego ilaa imika inta sugan
degmooyinka Gobolka ee ay doorashadu ka dhici karto, waxaa uu ku
jawaabay “Waxaan ku raja weynahay in gobolka intiisa badan kadhacayaan,
meelaha madmadowgu ku jirana, inta diyaar garowga lagu jiro, ayaanu ka
hawl galaynaa.”
Mr. Laba go’le mar uu ka jawaabayey waxa uga qorshaysan hawl-galka
diwaangalinta, waxaa uu yidhi “Marka ay qolada diwaangelintu soo
dhamaystaan tobabarka ayaa laga tashanayaa sidii loo bilaabi lahaa, iyo
sidii dadka loo fahan siin lahaa, komishanka dhaxana waxaanu ka sugaynaa
nidaamka lagu waajahayey Diwaangelinta. Waa run oo gobolkan dadkiisu
inta badan may arag ama waayo aragnimo kama haystaan doorashada,
waxaanuse ku hawlanahay, sidii ay maanta 85% ay doorashadu uga dhici
lahayd deegaanadan, dadka laftooduna waxaad moodaa in ay maanta
danaynayaan inay codkooda dhiibtaan oo ay wax kula soo baxaan, anaguna
waxaanu ku dadaalaynaa intaan xiliga doorashada la gaadhin in aanu
wacyigelin badan samayno.”
Ugu dambeyn mar la weydiiyey su’aal ku saabsanayd laba xubnood oo
gudigooda komishanka gobolka ka tirsan oo aan goobjoog ahayn
dhaar-wadareedkii lagu dhaariyey, waxaa uu ku jawaabay “Haa way jirtay
komishanka gobolkan laba nin oo ka mid ahi way maqnaayeen, mid ka mid
ahi Hargeysa ayuu ku maqnaa waxaanu igu yidhi waan imanayaa, ka kalena
waxa uu keenay Cudur daar oo wuu xanuunsaday, labadubana waxa ay
yidhaahdeen marka ay maxkamadu noo yeedho ayaanu imanaynaa.”
Maxaabiistii
Lagu Soo Qabqabtay Dagaaladii Ka Dhacay Laas-Caanood Iyo Dhaban-Saar
Oo Cafis Lagu Siidaayey |
Hargeysa , March 19, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir
Rayaale Kaahin ayaa cafis ku siidaayey 78 Maxbuus, oo ay Ciidanka
qaranka Somaliland ku soo qabqabteen dagaalada ka dhacay Laascaanood iyo
Dhaban-saar, kuwaas oo ku jiray xabsiyada dalka.
Cafiskan uu madaxweynuhu u soo fidiyey maxabiista waxaa uu ku soo saaray
laba digrooto oo ta hore uu cafiska ugu fidiyey 67 maxbuus oo ka soo
jeeda Somaliland, laguna soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood
iyo dhaban-saar, halka degreetada labaadna uu cafiska ugu fidiyey 11
maxbuus oo u dhashay Majeerteeniya oo iyagana lagu soo qabtay isla
dagaaladaas.
Labada Degreeto ee Madaxweynuhu cafis ugu fidiyay maxaabiistaasi waxay u
qornaayeen sidan:
“Degreeto Madaxwayne Lr.309/032008
Fidin Cafis Maxaabiis
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad
Markuu tixgaliyey: Codsiga Odayaasha iyo wax garadka Beesha
Markuu Xaqiiqsaday: In ay yihiin Muwadiniin la khalday
Markuu yaqiinsaday: Inay dalkooda nabad ku joogi karaan
Markuu tixgaliyey: wada tashigii Masuuliyiinta ay khusayo
Wuxuu go’aansaday
Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan wuxuu cafiyey dhammaan Sideed iyo
lixdanka (68) Maxbuus ee Magacyadoodu ku lifaaqan yihiin oo lagu soo
qabqabtay dagaaladii ka dhacay Laas-canood iyo Dhaban-Saar’’.
“Degreeto Madaxwayne Lr.310/032008
Fidin Cafis Maxaabiis
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad
Markuu arkay: Sharciga Maxaabiista Dagaalka ee Geneva Convention oo
banaynaaya in layso celin karo maxaabiista Dagaalka.
Markuu Xaqiiqsaday: Inay dan u tahay Gobolka (Geeka Afrika) Xasilintiisa
maadaama dhib badani ka jirto Somalia
Markuu tixgaliyey: wada tashigii masuuliyiinta ay khusayso.
Wuxuu go’aansaday
Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan wuxuu cafiyey dhammaan kow iyo toban
(11) Maxbuus ee shisheeye ( Majeerteen) ee magacyadoodu ku lifaqan
yihiin Degreetadan ee lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay
Laas-caanood iyo Dhaban-Saar.”
Ururka Al-Shabaab
Oo Lagu Daray Liiska Argagaxisada Caalamiga Ah Iyo Jawaabta Ay Ka
Bixiyeen |
Washington, March 20, 2008 (W. Wararka) - War ka soo baxay Xafiiska
arrimaha dibadda ee dawladda Maraykanka ayaa sheegay in Kooxda Al
shabaab ee waddanka Somalia lagu daray liiska Ururada argagaxisada ee
caalamka.
Sida lagu cadeeyay qoraal ay soo saartay Xoghayaha arrimaha dibedda ee
Maraykanka Condoleezza Rice, in la xayiro dadka taageerada dhinaca
maaliyadda ay ka helaan isla markaana aan haba yaraatee taageero nooc
kasta ha noqotee la siin karin, iyadoo si gaar ah loo xusay in la
xayirayo hantida taageerayaasha kooxdan ay ku leeyihiin dalka Maraykanka.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in tallaabadan la qaaday ay ka mid tahay
dagaalka lagula jiro argagaxisada caalamiga ah loogana dan leeyahay inay
ka waantoobaan falalka ay ku kacaan.
Maraykanku qoraalkiisan waxa uu ku tilmaamay Al-shabaab inay yihiin koox
xag jir ah oo qalafsan, in badan oo xubnaheeda ka tirsana lala
xidhiidhiyo Al-qaacida iyo xubno badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-shabaab
in la rumeysan yahay inay ku soo tababarteen Afghanistan, iyagoo la
safan Al-qaacida.
Qoraalkaa Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka waxaa lagu sheegay
in Al-shabaab ay cabsi gelisay isla markaana ay abuurtay dhibaato lagu
wiiqayo dawladda Cabdillaahi Yuusuf, iyadoo u hanjabtay hay’adaha
sama-falka ee arrimaha bulshada.
Kooxda Al-Shabaab waxay waraaqo ku daadiyeen ayaa lagu yidhi qoraalkaas
magaalada Muqdisho oo ay uga digayeen sanadkii hore dadkii ka qeybgalay
shirkii dib u heshiisiinta, waraaqahaasi oo ay ku sheegeen inay
qarxinayaan goobta shirka.
Waxaa sidoo kale ay ku balanqaadeen ayay tidhi warbixinta Condoleezza
Rice inay toogan doonaan cid walba oo qorsheynaysa ka qeybgalka
shirkaasi, isla markaana ay qarxin doonto hotelada iyo baabuurta ergada
ka qaybgasha shirkaas.
Qoraalku waxa uu sheegay inkastoo aanay Al-shabaab fulin hanjabaadahaasi
haddana inay sheegteen mas'uuliyadda dilka guddoomiyeyaasha degmooyinka
Muqdisho iyo qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday saldhigyada ciidamada
Itoobiya iyo saraakiisha dawladda ee Muqdisho.
Hogaamiyaha kooxdaasi Aadan Xaashi Ceyrow ayaa qoraalku sheegay in
dagaalyahaniintiisa uu amar ku siiyay in la weeraro Ciidamada Midowga
Africa ee jooga Muqdisho.
Waxaa kaloo uu ugu baaqay dad ajnebi ah inay ku soo biiraan Al-shabaab
dagaalkooda ay ka wadaan Somalia, haddaba hanjabaadahaasi kooxda Al-shabaab
ayaa sida hadalka uu u dhigay qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda ee
Mareykanku sheegay in go'aankani uu kor u qaadayo ka warqabka hawlaha ay
wadaan, isla markaana uu hoos u dhigi doono awoodooda ay ku hanjabayaan
ee ay degenaansho la'aanta uga abuurayaan gobolka Geeska Africa.
Dhinaca Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab oo magaciisa la yidhaahod
Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin
in Maraykanku ku daray liiskasi, isagoo dhinaca kalena beeniyay inay
kooxdooda ku jiraan dagaalyahan ajnebi ah.
Ururka Al-Shabaab ayaa noqonaya ururkii 41aad ee dawladda Maraykanku ay
ku tilmaanto inay yihiin Argagixiso Caalami ahi, isla markaana ay dagaal
la gasho, xayirtana hantidooda iyo dhaqdhaqaaqoodaba.
Gudoomiyaha
Waxbarashada Awdal Oo Ka Jawaab Ka Bixiyey Hadallo Dhawaan
Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Beelaha Gobolkaasi Kaga Cawdeen
“Waxbarashadu Harraad Uma Qabto Qabyaalad" |
Boorama, March 20, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka
Awdal Daahir Maxamuud Xaddi ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan laga
soo xigtay qaar mid ah siyaasiyiinta Beesha H/cafaan, garabkooda
mucaaradka, kuwaas oo maamulka waxbarashada ee gobolka Awdal ku eedeeyey
inuu beeshaasi ka qadiyey in ka badan 70 macallin oo lagu soo kordhiyey
macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada gobolka.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, war-saxaafdeed shalay ka soo baxay xarunta wasaaradda
waxbarashada ee Boorama, uuna ku saxeexnaa guddoomiyaha waxbarashada ee
gobolka Awdal, Daahir Maxamuud Xaddi ayaa u qorraa sidan:
“Anigoo tixraacaya qoraal ku soo baxay Haatuf 19-kii bishan,
tirsigiisuna ahaa 1678, qoraalkaas oo ku hadlayey af beelaysan oo ku
salaysnaa aragti lagu iibgeynayo beel magac ku leh beelaha reer Awdal.
Waxay rag ka tirsan siyaasiyiinta, oo beeshaasi ka soo jeedaa ka
dhigteen food-saare beesha kalsooni lagaga raadsado, in 70 macallin oo
lagu soo daray macallimiinta reer Awdal laga reebay beeshaasi, waxna aan
lagaga darin. Been haddii aad sheegeyso, waxa la sheegaa wax runta ku
dhaw haddii kale cidi ku rumaysan mayso. Macallimiinta gobolka waxa lagu
daray 44 xubnood, waxana arrintaasi ku heshiiyey Hay'adda World Vision
iyo maamulka waxbarashada gobolka, Madaxweynuhuna wuu ogyahay, waxana
loogu daray barnaamij quudin la yidhaahdo oo ku yaal degaanada ay deggan
yihiin beelaha raggani magacooda ku hadlayaan oo kala ah tuulada Jirjir,
Xeego, Ruqi, Fadhixun, cuntadaasina loo bilaabayo bishan 20keeda.
Waxa kale oo beesha nimankaasi ku jiraan loo dhisay saddex fasal iyo
bakhaar tuulada Xeego, shan dugsi loo dhawaan looga dhisayo degaanka
Baki iyo Lughaya iyo meelaha ay ka mid yihiin HolHol, weeraar, cadaad,
iyadoo macallimiinta ka dhigaysaana ay yihiin isla degaanka beeshaasi
danaynayso. Ragga ku hadlay magaca beeshu haddii ay ku xidhan yihiin
beesha maxay u sheegi waayeen maamulayaasha dugsi, ee Aan tiradooda loo
koobi karayn ee ay ku leeyihiin wasaaradda iyagoo raggaasina aqoontooda
lagu qaatay, qabiilna aan lagu sheegi karin. Raggaasi u harraadan ku
shaqaysiga qabyaaladdu waxay iloobeen Dugsiga Sare ee Ardaale, looguna
magac daray injineer Axmed Xasan Ardaale, maamulkiisa iyo
gacan-ku-hayntiisana ay masuul ka yihiin rag ka soo jeeda beesha
raggaasi, sidaa darteedna waxaan mar kale xusuusinayaa in odayadaasi ku
khaldameen magaca beeshooda iyo magaca waxbarashada gobolkaba, isla
markaana aanay warba ka hayn halka ay kala marayaan maamulka
waxbarashada ee gobolka iyo beeshaasi masuuliyiintoodu.
Waxana fiican in magaca beeleed aan loo adeegsan dano siyaasadeed, ee si
kale wax loo raadsado."
Koox Arday Ah
Oo Macalin Masri Ah Dhaawacyo Ugu Geysatay Berbera |
Berbera, March 20, 2008 (Haatuf) – Koox Arday ah oo wax ka dhigata dugsiga
hoose/dhexe ee Saaxil ee magaalada Berbera ayaa shalay dhaawacyo jabniin
ku jiro soo gaadhsiiyay macalin Masri ah oo wax ka dhiga dugsiga sare ee
Bursade ee magaalada Berbera.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan
Dheere, kooxdan ardayda ahi waxay shalay barqadii suuqa magaalada
Berbera dhexdiisa ku weerartay macalinkan oo magaciisa la yidhaahdo
Axmed Maxamed Mustafe oo Maadada xisaabta ka dhiga fasalada saddexaad
iyo afraad ee dugsiga sare ee Bursade, waxaanay soo gaadhsiiyeen
dhaawacyo ay ka mid yihiin jebniin lugta midigta oo kuraanta ah, kaas oo
hadda lagu dawaynayo Cusbitaalka magaalada Berbera.
Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya sababta ay kooxdan
ardayda ahi u weerartay macalinkan oo aan dugsigooda waxba ka dhigin.
Maamulaha dugsiga sare ee Bursade, Cismaan Axmed Kaahin (Canjoole) ayaa
sheegay in macalinkani ka jabay kuraanta lugta midig, isla shalayna la
kabay xaaladiisa caafimaadna ay hadda fiican tahay.
Falkan ayaa waxa aad uga xumaaday laba macalin oo kale oo iyaguna wax ka
dhiga dugsiga sare ee Bursade, hase yeeshee sida uu sheegay Maamuluhu
waxa ay xaaladoodii ku degtay kadib markii ay arkeen sida ay dadweynaha
magaalada Berbera uga xumaadeen falkaas waxyeelada loo geystay macalinka
iyo gurmadkii ay u sameeyeen.
Waxa kale oo uu maamulaha Dugsigu sheegay in falkan loo qabtay hal arday
iyo waalidka arday kale oo la sheegay inuu baxsaday, kuwaas oo loo
malaynayo inay ahaayeen ardayda falkan kula kacday macalinka Masriga ah.
Hase yeeshee sida ay weriyaha Haatuf u sheegeen dad goobjoog ahi ardayda
falkan fulisay intaas way ka badnaayeen kuwaas oo markii ay dilayeen
macalinka laga furfuri kari waayay, kadibna uu nin ganacsade ahi uu
bastoolad kor u ridday, sidaasna ay ku sii daayeen macalinka ay
garaacayeen.
Magaalada Berbera oo ay marka horeba ku yaraayeen macalimiinta wax ka
dhiga dugsiyada sare ee magaaladaas ayaa arrintani culeys weyn ku soo
kordhinaysaa, maadaama macalinkani ahaa macalinka keliya ee dhigi jiray
maadada xisaabta oo muhiim u ah ardayda fasalada dugsiga sare dhigata,
isla markaana ay adkaanayso sida ay ardayda dugsigaasi u heli karaan
macalin bedelkiisa noqda, iyadoo xilligana ay imtixaanadii dugsiyada
dalku kaabiga inagu soo hayaan.
Gobolnimada
Gabiley Maxay Dadka Ku Nool U Soo Kordhin Kartaa?
Faallo – Xuseen M. Faarax, |
Muddo dheerba reer Gabiley waxay ku taamayeen sidii degmadooda ay
xukumaddu gobol ugu aqoonsan lahayd, waxaanay haatan u egtahay in
riyadoodii ay rumowday amaba ay rumoobi doonto oo wax aan dharaaro ka
badnayni ay ka xigaan marka lagu dhawaaqi doono gobolnimadii Gabiley.
Waxaase meesha ku jirta in la isweydiiyo Gabiley ma u qalantaa gobol,
haddii ay jawaabtu tahay haa, maxaa keenay in Madaxweyne Rayaale uu
xilligan ku beego go’aankiisa uu gobol ugu magacaabayo?
Su’aasha hore dabcan jawaabteedu waa haayoo Gabiley way u qalantaa in
heer gobol loo aqoonsado dhawr arrimood awgood:
Waa ta koowaad’e, Gabiley dhaqaale ahaan way isku filan tahay oo waxay
leedahay xoolo, Sarac iyo ganacsi, waxaana taas u dheer khayraadkii
dabiiciga ahaa ee badda sidda kalluunka.
Waa ta labaad’e haddii Gabiley iyo gobolada ay Somaliland ka kooban
tahay la isbarbar dhigo, waxa aan shaki ku jirin in dadka ku nool
Gabiley iyo degaanada hoos-yimaaddaa ay marwalba ka badnaanayaan kuwa ku
nool gobolada qaarkood mid walba goonidiisa.
Su’aasha labaad ka jawaabisteedu way iska caddahay oo uma baahna in la
isku daaliyo waayo cid waloo caqligeeda qabtaaba way garanaysaa in
sababta uu Riyaale gobolnimada Gabiley ugu beegay wakhtigani ay tahay
doorashadii oo soo dhawaatay iyo isaga oo doonaya inuu reer Gabiley food
kaga helo gobol baan idiin magacaabay, iyada oo la odhan karo in
go’aankaa Riyaale uu soo dedajiyay kulankii Panorama Hall ee boqolaal
dad ah oo ka tirsan beesha Habar-Awal ay dorraad kaga dhawaaqeen inay ku
biirayaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Laakiin ma jirto sabab ay ciddina dadka reer Gabiley uga sugto inay
abaal iyo ajar ugu qabaan gobolnimo markeedii horeba ay u qalmayeen
balse raagtay. Waxaase xusid mudan in reer Gabiley ay maskaxda ku hayaan
oo aanay iloobin in gobolnimada ay la socdaan masuuliyado iyo hawlo
kuwii degmo-nimo ka ballaadhan oo gudashadoodu ay tahay waajib iyaga
dusha ka saaran.
Waxa kale oo loo baahan yahay in dadka ku nool gobolka cusub ee la
filaayo in uu soo kordho ayaamahan foodda inagu soo haya ay iska
ilaaliyan inay noqdan qaar dawladda dhexe uun wax ka suga oo intay
isleeyihiin Hargeysa ayay wax idiinka soo socdaan ay danahii ay qabsan
lahaayeen ku seegaan halkaas.
Gobolnimadu waa inay noqotaa mid dadka ku dhiiri-gelisa inay iyagu
tashadaan oo ay iskood wax u qabsadaan, mana jiro macno ay gobolnimadu
samaynaysaa haddii aanay madaxda gobolka iyo degmooyinka hoos-yimaadaa
aanay marka hore ka fuudh-yeelin horumarinta gobolkooda. Laakiin
gobolnimadu waxtar ma yeelanayso haddii madaxda gobolku ay noqdaan sida
kuwa reer Berbera ee dhaqaalihii gobolkooda ka soo baxayey ee ay dadka
degaanka ah wax ugu qaban lahaayeen ku wada bixiya laaluush ay siiyaan
madaxda dawladda dhexe ee Hargeysa fadhida.
Gobolnimadu waa inay soo kordhisaa madax banaani iyo baahsanaan dhinaca
ismaamulka ah balse aanay noqon mid curyaamisa awoodihii iyo
firfircooni-nimadii ay dadku wax ku qabsan lahaayeen.
Boosaaso Oo
Xalay Xaalad Colaadeed Ku Seexatay, Markii Iska Hor-Imaad Dhexmaray
Bileyska Iyo Ciidan Beeleed Halkaasi Soo Galay |
Boosaaso, March 20, 2008 (Haatuf) – Magaalada Boosaaso oo habeenkii xalay
ay ka muuqatay dhiilo colaadeed, kadib markii ay halkaasi soo galeen
maleeshiyo beeleedyo aad u hubaysan oo ka yimid dhinaca magaalada
Garoowe.
Maleeshiyadan soo gashay magaalada Boosaaso ayaa shalay gelinkii dambe
waxa uu dagaal ku dhexmaray Tuulada la yidhaahdo Al-xumdulilaa oo u
dhexaysa magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, dagaal waxyar socday kadib
gudaha u galay magaalada Boosaaso, fadhiisina ka samaystay xaafad ku
taala bariga magaalada.
Xiisadan cusub ee ka aloosantay magaalada Boosaaso ayaa waxay ka
dambeysay kadib markii Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cade
Muuse uu amar ku bixiyey in lala wareego wershad samayn jirtay Lacagaha
oo ay lahaayeen dad ganacsato ah, kuwaas oo si weyn uga cadhooday
amarkaas ay dawladu kula wareegayso hanti ay sheegeen inay iyagu
lahaayeen, isla markaana dawladu ay cashuur ka qaadi jirtay.
Ganacsadaasi la sheegay inay lahaayeen wershadan samaysa lacagta ayaa
markii amarkaasi soo baxay, waxay bilaabeen abaabul ay ku sameeyeen
maleeshiyo beeleedyo ay ka soo ururiyeen magaalada Boosaaso iyo qaar
degmooyinka maamulkaasi, markii dambe ciidan beeleedkii ay ururiyeen ay
isku soo shubeen magaalada Boosaaso, halkaas oo laga maqlayay magaalada
Boosaaso rasaas teel-teel oo ay maleeshiyadaasi iyo bileyska magaalada
isweydaarsanayeen, taas oo cabsi gelisay dadweynihii magaaladaasi ku
dhaqnaa. Waxaana laga baqe qabaa in xaaladani ay isu bedesho dagaal xoog
leh, isla markaalana loo dagaalamo qaab beelaysan.
Magaalooyinka waaweyn ee maamul-goboleedka Puntland, Garoowe, Qardho iyo
Boosaaso ayaa habeenkii xalay waxa ka socday abaabul ciidamo urursi ah,
xaalada magaalooyinkaasi ay xalay u muuqdeen kuwo ay nabadgelyadii ka
jirtay faraha ka baxday, isla markaana meesha ka saaraysa nidaamkii
maamul ee ka jirey Puntland.
Maamulka
Jaamacadda Cammuud Oo Sheegay In Abwaan Gaarriye Shaqo Ugu
Maqanyahay Jaamacadda, Waxna Aanay Ka Jirin Warka Lagu Sheegay
Erigiisa |
Boorama, March 20, 2008 (Haatuf) -- Guddoomiyaha
Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
ayaa shaaca ka qaaday in Abwaan Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye uu
weli ka mid yahay hawlwadeenada ama macallimiinta dhinaca suugaanta ee
Jaamacadda Cammuud, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka lagu
baahiyey mid ka mid ah wargeysyada dalka ee lagu xusay in abwaanka laga
eryey jaamacadda kaddib markii ay guddi dhexdhexaadin ahaa oo uu ka
tirsanaa ay madaweynaha isku af-garan waayeen siideynta masuuliyiinta
urur-siyaasadeedka Qaran ee haatan laga soo daayey xabsiga Madheera.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed,
waxa uu saxaafadda u soo bandhigay qoraal la xidhiidha hawsha Abwaan
Gaariye ugu maqan yahay Jaamacadda, ee uu Hargeysa u joogo haatan,
warqaddaas oo ku taariikhaysnayd 10/3/2008 kuna qornayd afka Ingiriisiga
ayaaa maamulka Jaamacaddu kaga codsanayaa Abwaan Gaariye inuu soo
diyaariyo Manhaj waxbarasho Jaamacaddaasi leedahay.
Qoraalkaas oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Haatuf oo aanu idiin soo
turjunay ayaa u qorraa sidan:
KU: Prof. Maxamed xaashi Dhamac (gaarriye)
Lecturer, Jaamacadda Cammuud
Og: Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa
Og: madaxa mashruuca SCOTT.
Ujeeddo: Hawl-qabad ku saabsan diyaarinta manhajka barashada iyo
dhigista afka Soomaaliga iyo suugaanta
Waxay jaamacadda Cammuud muhiimadda siinaysaa sidii loo hormarin lahaa
suugaanta, si inta baranaysa dhaqanka iyo waxbarashadu uga
faa’iideystaan.
Haddaba sidii aan shalay uga wada-hadallay, waxaan si naxariis leh kaaga
codsanaynaa in semesterkan (ama saddexdan bilood) aad noo soo diyaariso
manhajka iyo agabka waxbaridda ee koorasyada lagu qaadanayo jaamacadaha
Hargeysa iyo Cammuud, iyo weliba barnaamijka loo yaqaan SCOTT.
Adigoo ka mid ah shaqaalaha Jaamacaddan Cammuud, Hawshan ayaan kuu
siinnay inaad ku soo dhammaystirto inta ka horreysa bisha June 30da
(30/6/008).
Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud
Prof Saleebaan Axmed Guuleed."
Xisbiyada
Kulmiye Iyo Ucid Oo Xukuumada Ku Eedeeyey Inaanay Ogolayn Doorasho
Dhacda, Muddo Kordhina Ay Qorsheynayso |
Hargeysa, March 20, 2008 (Haatuf) – Xisbiyada UCID iyo
Kulmiye ayaa komishanka doorashooyinka Qaranka ku eedeeyey inay u
nuglaadaan faro-gelinta xukuumada iyo xisbiga UDUB, deedefeeyeyna soo
jeedintii asxaabta mucaaridku ka soo saareen liisaskii xubnaha
komishanka iyo diwaan-gelinta ee gobolada Saaxil, Awdal iyo Maroodi Jeex.
Sidaana waxay labada xisbi mucaarad ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay
shalay wada jir ugu qabteen xarunta xisbiga UCID gudoomiyaha kulmiye
Axmed Siilaanyo iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID Maxamed Axmed,
shirkaas oo ay ka soo saareen war-saxaafadeed wada jira oo ay ku
saxeexanyihiin hogaamiyayaasha labada xisbi, waxaanu qoraalka
warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan:
“Labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID waxay halka hoose ku soo bandhigayaan
shax ay ummadda ugu bayaaminayaan siday u kala duwan yihiin liisaska
hawlwadeennada xafiisyada Komishanka iyo Diiwaangelinta ee gobollada iyo
degmooyinka galbeedka Somalailand ee Komishanka Qaraka ee Doorashooyinku
warbaahinta dalka ku faafifiyey 07-08/03/2008 iyo liisaskii ay ummadda
degaammadaasi (xisbiyo, waxgarad iyo maamulba) iyagoo ku heshiis ah una
arkaya in ay dhex u yihiin, u soo gudbiyeen weftigii uu Guddoomiyaha
Komishanku hoggaaminayey ee isagu marka horeba weydiistey in ay u soo
gudbiyaan xubno ay heshiis ku yihiin. Liisaska Komishanka Qaranku
faafifiyey waxay badi ku salaysan yihiin magacyo ay Gudoomiyeyaasha
gobollada iyo degmooyinka qaarkood iyagoon la tashan guddiyada xisbiyada
iyo waxgaradka degaammada ay keli ahaantood weftiga ama xarunta dhexe ee
Komishanka Qaranka usoo gudbiyeen.
Sidoodaba liisaska Komishanka Qaranku faafifiyey waxay sharci-darro ku
yihiin:
1. Waa liisaska ay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka qaarkood,
sida Guddoomiyeyaasha Gobolka Awdal, Saaxil iyo Degmada Gebiley, iyagoon
haysan oggolaanshaha guddiyada xisbiyada, mas’uuliyiinta iyo waxgaradka
degaammadaas, ay sida keli ahaanta ah u soo qoreen taasoo gef ku ah
qodobka 11(6) ee Xeer Lr. 20/2001 ee u dhigan sedan:
‘Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madax bannaan lagumana samayn
karo wax faro gelin ah haba yaraatee’.
2. Waa liisas intaan la faafin aan loo soo bandhigin wakiillada
xisbiyada u jooga Komishanka Qaranka weftigana ka mid ahaa oo xogogaal
ah si looga sifeeyo xubnaha aan buuxin shuruudaha ku xusan qodobbada
19(7), 11(d) iyo 12 ee xeer Lr 20/2001 iyo qodobka 11(2) ee xeer
Lr.37/2007.
3. Waxa la faafiyey liisaska iyadoo aan go’aan Komishan oo aqlabiyad ah
la iskula qaadanin taasoo gef ku ah qodobka 11(5) ee Xeer Lr. 20/2001 ee
u dhigan sedan:
‘Komishanka xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeerkan,
shirarkoodu wuxuu ku qabsoomayaa kooram, go’aannadoodu waxay ku
ansaxayaan aqlabiyad’.
Sidaas ayuu horta liiskaasi sharci darro ku yahay.
Waxa aan shaki ku jirin in Kom Qaranku gaar ahaan xubnihii ka midka ahaa
weftigii u baxay gobollada Galbeedka Somaliland in uu isku dayayo inuu
ka dhiso gobollada iyo degmooyinka xafiisyo Komishan iyo Diiwaangelineed
oo ay maamusho kacan sarena ku leedahay xukuumaddu. Arrintaas waxa aad
looga arkaa sida Kom.Qaranku ugu dedaalayo inuu qoro xunaha xukuumaddu
danaynayso una diiddan yahay in uu wax ka beddelo xitaa haddii aanay
buuxinenin shuruudaha xeerku cayimay.
Waxa socota faragelin xukuumadeed oo ka hor imanaysa qodobka 11(6) ee
xeer lambar 20/2001 ee kor ku xusan, taasoo sabab u ah in wax heshiis ah
laga gaadhi waayo muddo bil ah sixitaanka hawlwadeennadii xafiisyada
Komishanka iyo Diiwaangelinta gobollada iyo degmooyinka galbeedka dalka.
Waxa xusid mudan in, ka dib markii labada xisbi ay cabasho u gudbiyeen
Kom. Qaranka, ay 17/03/2008 labada xisbi iyo Komishanka Qaranka badhkii
ay isla qaateen heshiis cabashadii labada xisbi wax aad u yar laga
tixgeliyey (10%), waxaanay labada xisbi sidaa u yeeleen inaanay wax
dib-u-dhac ahi ku iman hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka. Waxa
heshiiskaas aanu gaadhnay ku gacan-saydhay Kom. Qaranka badhkiisii kale
iyo Xisbiga UDUB oo isagu u arka inay sidani dan gaar ah u tahay,
diiddanna in liisaskaa sharci-darrada ah sidii lagu faafiyey wax is-beddel
ah lagu sameeyo haba yaraatee, iyadoo Wakiilladoodii ku doodeen in aanay
aqbalayn liisaska hawlwadeennadda haddii hal qof laga beddelo. Waxa
halkaa ku soo af-jarmay waanwaantii aanu kaga jirrey sixitaanka
liisaskaa khaldan
Waxa ka muuqata shaxda hoos ku qoran in Kom. Qaranku uu degmooyinka ula
dhaqmay si kala duwan. Degmooyinka Sheekh, Balligubadle iyo Salaxley
liisaskii ay soo gudbisteen komishanku sidoodii ayuu ugu aqbalay.
Laakiin, nasiib-darro, degmooyinka Baki, Seylac, Lughaya, Berbera iyo
Gobolka Saaxil, Komishanka Qaranku wuu diiday liisaskii ay xisbiyada,
mas’uuliyiinta iyo wax-garadka jiidahaasi soo gudbisteen, waxaanu
beddelkoodii qaatay liisaskii Guddoomiyeyaasha Gobollada Awdal iyo
Saaxil. Degmada Gebiley waxa Komishanku qaatay liiska uu soo gudbiyey
Guddoomiyaha Degmadu iyadoo wax talo ah aan laga weydiin Guddiyadii
xisbiyada. Sababta qudha ee lagu salayn karo kala soociddaasi waxa weeye
Kom. Qaranka oo u nuglaadey faro-gelinta xukuumadda.
Qoralka ku taariikhaysan 11/03/2008 ee labada xisbi sida wadajirka ah
ugu gudbiyeen Komishanka Qaranka ee lagaga codsanayey in uu Komishanka
Qaranku saxo liisaska magaca Komishanka Qaranka lagu faafiyey ee aan
waafaqsanayn hab-dhaqanka sharcigu jideeyey ee lagu xulo hawlwadeennada
xafiisyada Komishanka iyo Diiwaangelinta ilaa hadda lagama hayo wax lagu
qanco iyo wax u dhaw toona.
Marka la isku soo duubo waxa lagala soo bixi karaa ku adkaysiga
liisaskan sharci-darrada ah ee sida macangagnimada ah Kom. Qarfaku ugu
adkaysanayo inaan Komishanka Qaranka badhkii iyo Xukuumaddu toona aany
daacad ka ahayn habsami-u-socodka geedi-socodka dimuqraadiyadda gaar
ahaan sidii diiwaangelinta iyo doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen
xilligii lagu ballamay. Mar walba xukuumadda ayaa sabab u ah dib-u-dhaca
ku imanaya hawlihii muddeysnaa ee la xidhiidhey diiwaangelinta iyo
doorashooyinka (registration and elections timelines), hadday tahay
lacagtii laga sugayey (25%) oo ay in badan dib ula dhacday, hadday tahay
modelkii lagu fulin lahaa diiwaangelinta oo ay xukuumaddu in badan
diiddanayd iyo hadday tan manta taagan ee ah xulashada hawlwadeennada
xafiisyada Kom.iyo Diiwaangelinta ee gobolladda iyo degmooyinkaba. Taas
macnaheedu waxa weeye in xukuumaddu ku dedaalayso inaanay diiwaangelini
hirgelin si marka la gaadho 14 bisha Abril oo ay Madaxweynaha kaga
egtahay muddo-xileedkii shanta sano ahaa uu u helo muddo kordhis sannado
ah.”
Liisaskii la kala beddelay waa kuwan:
T/T Gob/degmada Liisaska Kom. Qaranku faafiyey Liisaskii gob/deg. ku soo
heshiiyeen Fiiro gaar ah
A B C D E
1.
Gobolka Awdal iyo Degmada Borama Kom. Gob. Awdal:
1.Cumar Yuusuf
Max’d …...Guddoomiye
2. Max’d Nuur
Suldaan.....Gud.-ku-xig
3. Siyaad Cali
Cumar ……… Xoghaye
Kom. Degmada:
1. Xasan X.Nuur
Max’d ..Gudoomiye
2. C/laahi Maxamuud
Guuleed ..Gud.ku-xig.
3. Idiris Faarax
Muuse … xoghaye
Guddida Diiwaangelinta Gob. Awdal:
1. Faarax Cilmi
Max’ud ..guddoomiye
2. Muscaf Xirsi
Cali Gud.ku-xig.
3.Khadra Jaamac
Max’ud .. xoghaye
Guddida Diiwaangelinta Degmada Borama:
1.Cali Cilmi Goohe ..Gud.
2.Salaan Cabdi
Cige ….Gud.-Ku-xigeen
3. Max’d Cabdi
Cilmi ………...Xoghaye
Wixii la isku ogaa
waxa ka beddelan:
1. Mansabka xoghayaha gobolka oo u yaalley beesha Ciise waxa lagu qoray
nin beel kale ah iyadoon meel kale loogu beddelin beeshii loo qoondeeyey.
2. Cabasho ka timi beel ka mid ah beelaha dega degmada Borama oo ahayd
‘inaan 6da
xubnood ee komishanka iyo Diiwaangelinta degmada cid lagaga qorin’ oo la
garawsaday lagana soo qaaday magaca ah Cabdiraxmaan Dixood Malaw laguma
qorin meel ka mid ah saddexda xubnood ee Komishanka degmada sidii la
isku ogaa lana soo ballan-qaaday.
1. Liiska Gobolka Awdal iyo Degmada Borama waxa yeeedhiyey guddoomiyaha
Gobolka waxa se la socdey oo ku waafaqay wakiilladii saddexda xisbi.
2. Gudoomiyaha gobolku waxa kale oo yeediyey magacyo uu leeyahay “ha
lagu qoro xafiisyada Kom. iyo Diiwaangelinta ee degmooyinka debedda ee
gobilka,” magacyadaas oo ah inta khadka madaw ku qoran.
3. Nin ka mid guddoomiyeyaasha demooyinka Awdal ee debedda, oo arkayey
in guddoomiyaha Gobolku yeedhinayo dadkii noqon lahaa hawlwadeennada
xafiisyada Kom. Iyo Diiwaangelintu ee degmooyinka debedda ee gobolka,
wuxuu u sheegay weftiga inaanay naga socon doonin waxa Gudoomiyaha
Gobolku yeedhinayo ee la xidhiidha degmooyinka xarunta gobolka ka
baxsani, waxaanu ku taliyey in wax lagu qaato waxa degmooyinkaa lagaga
heshiiyo.
2.
Degamda Baki Kom.Degmada:
1. Abiib Yuusuf
Jaamac …............ Gud.
2. Ceelaabe Max’d
Hurre….Gud.-ku-xig
3. Ducaale Axmed Xoghaye
Gud. D/gelin Degmada:
1. Daahir Xasan
Warsame Gud.-ku-xig.
2. Fahmi Cabdi
Bidaar… Gud.-ku-xig.
3.Max’d Siciid
Ducaale ……..xoghaye
Kom.Degmada:
1. Faarac Ismaacii
Sidci ………..Gud.
2. Abiib Yuusuf
Jaamac... Gud.ku-xig
3. Xaashi Muxumed
Cige … Xoghaye
Gud. D/gelin Deg.:
1. Axmed Faarax
Cabdi ……….Gud.
2. Barkhad Xuseen
Siciid…..Gud.ku-xig
3. Max’d Jaamac
Kibaar … xoghaye
1. Liiskii degmadu heshiiska ku ahayd 5 xubnood oo ka mid ah waa la
beddeley xubinta kalena waxa lagu qoray meel aan degmadu isku ogeyn.
2.Liiska Komishanku faafiyey guddi walba labada xubnood ee u sarreeyaa
waa magacyadii Guddoomiyaha Gobolku yeedhiyey, labada xoghayena ma aha
kuwii degmadu ku soo heshiisey.
3. Degmada Seylac Kom.Degmada:
1. Xasan Daahir
Xaddi …Guddoomiye
2. Cawaale Ismaaciil
Xasan…...Gud.ku-xig.
3. Ibraahin Xasan
Axmed … xoghaye
Gud. D/gelin Degmada:
1. C/laahi Faarax Maydhane……Gud.
2. Cali Allaale
Riyaale …..Gud.ku-xig.
3. Xaamud Ibraabin
Miigane….....Xoghaye
Kom.Degmada:
1. Cawaale Ismaaciil
Xasan…...Gud.
2. Cali Allaale
Riyaale ...Gud.ku-xig
3. Ibraahin Xasan
Axmed …Xoghaye
Gud. D/gelin Deg:
1.Cali Cumar
Cigaal…Guddoomiye
2. Cabdi Daahir
Ducaale Gud.ku-xig.
3. Sacad Fariid
Cali…….....Xoghaye
1. Degmada Seylac ka dib markii ay ku heshiin waayeen in ay la yimaadaan
liis ay isku raacsan yihiin, waxa weftigu u xulay liiska ku xusan
khaanadda tan ka bidixaysa.
2. Guddoomiyihii loo
magacaabay degmada
waxa laga dhigay
Gud.ku-xigeen.
4. Waxa guddoomiye
Kom. looga dhigay
nin mushahar qaata oo
aanu sharcigu
oggolayn.
5. Dhammaan
Xubnihii
D/gelinta loo xulay
waa la beddelay.
4.
Deg. Lughaya Kom.Degmada:
1. Maris Daahir
Halas…….Guddoomiye
2. Ilyaas Cabdi
Aadan…….Gud.ku-xig.
3. C/naasir Axmed
Ibraahin……...Xoghaye
Gud. D/gelin Degmada:
1. Xuseen Makaahiil
Rooble ..................Gud.
2. Cabdi Xuseen
Cali……….Gud.ku-xig
3. Muuse Jeeke
Aaaye………xoghaye
Kom.Degmada:
1. Cali Xuseen
Cali…Guddoomiye
2. Ilyaas Cabdi Aadan…Gud.ku-xig.
3.Cabdi Cali
Cilmi……Xoghaye
Gud. D/gelin Deg.:
1. C/kariim Jirde
Qawdhan…Gud.
2. Axmed Ismaaciil
Jaamac..Gud.ku-xig
3. Max’d Cali
Xuseen……xoghaye
Waxa Kom. Qaranku Degmada Lughaya u faafiyey liis ka duwan kii degmadu
heshiiska ku ahayd. Hal xubin ayuumbaa kaga jira liiskii la isku ogaa.
5.
Gob. Saaxil
Kom. Gobolka:
1. Sidiiq Axmed X.
Max’d ….Guddoomiye
2. Max’d Caabi
Axmed…..Gud.ku-xig.
3. Max’d Cabdi
Jaamac………xoghaye
Gud. D/gelinta Gob.:
1. C/laahi Aadan
Gurey….Guddoomiye
2. C/laahi Xasan
Ismaaciil …Gud.ku-xig.
3. Axmed-Nuur Cabdi
Muuse………...xoghaye
Kom. Gobolka:
1. Sidiiq Axmed X.
Max’d…Guddoomiye
2. Max’d Caabi
Axmed…Gud.ku-xig
3. Max’d Cabdi
Jaamac……xoghaye
Kom. D/gelinta Gob:
1. Xasan Max’d
Jaamac…….Gud.
2. C/laahi Aadan
Guuleed Gud.ku-xig
3. Sacad Ciise
Cumar……xoghaye
1. Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera saddexda xisbi waxay ka soo
gudbiyeen liis ay isku soo raaceen, Guddoomiyaha gobolkuna wuxuu soo
gudbiyey liis aanay xisbiyadu la ogeyn.
2. Liiska Kom.
Qaranku ka faafiyey
Kom. Gobolka Saaxil waa liiskii Guddoomiyaha Gobolka labada liis
ayuumbaa halkan is waafaqay.
3. Liiska Kom. Qaranku ka faafiyey
Guddiga D/gelinta gobolka Saaxil waa liiskii Guddoomiyaha Gobolka.
6. Deg. Berbera Kom.Degmada:
1. Cumar Aadan
Kaahin….Guddoomiye
2. Diiriye Abyan
Max’d……Gud.ku-xig.
3. C/laahi Nuur
Cabdi……..Xoghaye
Gud. D/gelin Degmada:
1. Cismaan Axmed
Ismaaciil……….Gud.
2. Max’d Ismaaciil
Ibraahin..…Gud.ku-xig.
3. C/laahi Muuse
Jaamac……...Xoghaye
Kom.Degmada:
1. Cali Xuseen
Ciise…Guddoomiye
2. Axmed Jaamac
Xuseen Gud.ku-xig
3. Axmed C/laahi
Khayre …xoghaye
Gud. D/gelin Deg.:
1. Cismaan Axmed
Ismaaciil……...Gud.
2. Max’d Ismaaciil
Ibraahin Gud.ku-xig.
3. Cismaan Digaale
Axmed…...xoghaye 1. Liiska Kom. Qaranku ka faafiyey
Kom. Degmada Berbera waa liiskii Guddoomiyaha Gobolka.
2. Liiska Kom. Qaranku ka faafiyey
Gud. D/gelinta Deg. Berbera waa liiskii Guddoomiyaha Gobolka, waxaanad
ku garanaysaa ninka qudha ee ay ku kala duwan yihiin ee ah ka xoghayaha
kaga qoran liiska Gud. Gobolka.
7.
Degmada Sheekh Kom.Degmada:
1. Max’d X. Yuusuf
Siciid…guddoomiye
2. Siciid Cali
Xasan……Gud.ku-xig
3. Ibraahin Guuleed
Max’ud…xoghaye
Gud. D/gelin Degmada:
1. Daahir X. Cabdi
X. Abokor...............Gud.
2. Xasan-Kayd C/laahi
Xuseen……Gud.ku-xig.
3. Axmed Ismaaciil Warsame…….xoghaye Kom.Degmada:
1. Max’d X. Yuusuf
Siciid…guddoomiye
2. Siciid Cali
Xasan…Gud.ku-xig
3. Ibraahin Guuleed
Max’ud…xoghaye
Gud. D/gelin Deg.:
1. Daahir X. Cabdi
X. Abokor.........Gud.
2. Xasan-Kayd C/laahi
Xuseen Gud.ku-xig.
3. Axmed Ismaaciil Warsame….xoghaye
Degmada Sheekh waxa loo faafiyey liisaska sidii degmadu ku soo heshiisey.
8. Gob. M/jeex iyo Degmada Hargeysa Kom. Gobolka:
1. Ismaaciil Xasan
Cumar…Guddoomiye
2. C/laahi Siciid
Faarax ….Gud.ku-xig
3.Khadar Xasan
Qabaalle…….Xoghaye
Gud. D/gelinta Gobolka:
1. Xamse Max’d
Cali……guddoomiye
2. Muxumed Yaasiin
Diini………Gud.ku-xig.
3. Max’d Nuur
Xasan…………xoghaye
Kom.Deg.Hargeysa:
1. Cali Iimaan
Jaamac…Guddoomiye
2. Axmed C/laahi
Cilmi ….…Gud.ku-xig.
3. Naasir Cawil
Axmed……….xoghaye
Gud. D/gelinta Deg. Hargeysa:
1. Ismaaciil Cabdi
Daahir…..Guddoomiye
2. Jaamac Axmed
Cismaan…..Gud.ku-xig.
3.Rashiid Cabdi
Ismaaciil……..xoghaye 1. Gobolka Maroodi Jeex iyo Deg. Hargeysa oo iyaga
loo xulay xubnaha Kom. iyo D/gelinta lama garanin sababta hadda looga
qaaday Rashiid Cabdi Ismaaciil mansabkii uu ku qorraa.
2. Waxa iyana jirtey in labada xisbi dureen xubinta lagu qoray Gud. Kom.
Gob. oo ah Ismaaciil Xasan Cumar isagoo Xisbiga UDUB wakiil uga ahaa Kom.
Qaranka doorashadii u dambaysey, isla markaana la ogyahay in xisbi
wakiilnimada sidaas ah u dirto uun xubnihiisa.
3. Ilaa hadda
Komishanka Qaranka waa laga furfuri la’ yahay xubintaas iyadoo ka mid
ahaanshaheeda Kom. Doorashooyinku uu ka hor-imanayo Qodobka 19aad (7)
iyo qodobka 12aad ee Xeer Lr.20/2001.
9 Degmada Gebiley: Kom. Degmada:
1.C/raxmaan Muxumed
Baadil…….Guddoomiye
2. Jaamac Daa’uud
Ibraahin …Gud.ku-xig.
3. Mubaarik Cismaan
Xuseen ……..xoghaye
4.Mustafe Axmed
C/laahi…………Tiriye
5. Cabdi Faarax
Nuur………..Hubiye
6. Ubax cumar
Gaafane ……Hubiye
Gud. D/gelinta Deg.:
1. Xuseen Xasan Gaboobe Guddoomiye
2. C/qaadir Max’d Daa’uud … Gud.ku-xig.
3. Mahad Max’d Cilmi xoghaye
1. Liisaska Kom.
Qaranku faafifyey waxa soo diray Guddoomiyahay Degmada.
2.Waxa labad xisbi
dureen labada xubnood ee ku kala qoran lambarrada 1 iyo 5
3.Waxa lagu duray
xubinta ku qoran lr. 1 oo ah C/raxmaan Muxumed Baadil inaanu lahayn
aqoonta ay waajibiyeen qodobbada 19(7) iyo 12 ee xeer Lr. 20/2001.
4. Waxa lagu duray xubinta ku qoran lambarka 5 oo ah Cabdi Faarax Nuur
in uu yahay wakiilka Xisbiga UDUB ee Kalabayd, sidaa darteed aanu
buuxineynin shuruudaha xeerku tilmaamay.
Kom. Qaranka way beddeli la’ yihiin labadaa xubnood.
.10 Degmada Balligubadle: Kom. Degmada:
1.Xuseen Xasan
Max’d…Guddoomiye
2. Ibraahin Faarax
Yuusuf……Gud.ku-xig.
3. Good Nuur
Muxumed……xoghaye
Gud. D/gelinta Deg.:
1.Siciid yuusuf
Aadan…..Guddoomiye
2. Xamse Max’d
Aadan ……Gud.ku-xig.
3. C/kariim Axmed
Muxumed…xoghaye Kom. Degmada:
1. Xuseen Xasan
Max’d -Guddoomiye
2. Ibraahin Faarax
Yuusuf -Gud.ku-xig.
3. Good Nuur
Muxumed…xoghaye
Gud. D/gelinta Deg.:
1. Siciid Yuusuf Aadan. Guddoomiye
2. Xamse Max’d
Aadan - Gud.ku-xig.
3. C/kariim Axmed Muxumed xoghaye
Degmada Balligubadle waxa loo faafiyey liisaska sidii degmadu ku soo
heshiisey.
10 Degmada Salaxley: Kom. Degmada:
1. Aadan Aw Ismaaciil
Xasan… Guddoomiye
2. Ismaaciil Cabdi
Ibraahin….Gud.ku-xig.
3. Mawliid Cigaal
Samatar……..xoghaye
Gud. D/gelinta Deg.:
1. Sidiiq Cismaan
Cali ……Guddoomiye
2. Axmed Cali
Xirsi………Gud.ku-xig.
3. Jamaal Xuseen
Daahir…….Xoghaye Kom. Degmada:
1. Aadan Aw Ismaaciil
Xasan -Guddoomiye
2. Ismaaciil Cabdi
Ibraahin Gud.ku-xig.
3. Mawliid Cigaal
Samatar…..xoghaye
Gud. D/gelinta Deg.:
1. Sidiiq Cismaan
Cali…Guddoomiye
2. Axmed Cali
Xirsi…Gud.ku-xig.
3. Jamaal Xuseen
Daahir….Xoghaye
Degmada Salaxley
waxa loo faafiyey liisaska sidii degmadu ku soo heshiisey.
Intaa kadib, su’aalihii ay suxufiyiintu shirkaa jaraa’id ku weydiiyeen
masuuliyiintaas xisbiyada waxay u dhaceen sidan:
S: Maadaama aad sheegteen in komishankii doorashooyinka ay xukuumadu
hawl-maalmeedkooda, maxaa idiinka meel yaala doorashooyinka soo socda?
J: Axmed Siilaanyo – Arinkaasi go’aan ka gaadhideedadib ayaanu talo uga
yeelan doonaa, taladeedana marxalkeeda ayaanu la sugi doonaa.
S: Waxaad sheegteen in komishanka doorashooyinka qaarkood iyo xukuumadu
aanay ogolayn in diwaan-gelin iyo doorasho dalka ka dhacdo, ma noo
sheegi kartaa xubnaha komishanka ee xukuumada la socda?
J: Runtii komishanka badhkii ayaa la safan xukuumada, laakiinse ma jecli
in aanu magacawno, komishankuse waa inuu ka madax banaanaado xukuumada.
S: Waxaad sheegteen in xukuumadu aanay daacad ka ahayn in diwaan-gelin
iyo doorasho dalka ka dhacdo, arintaa maxaa ka yeelaysaan?
J: Marka la eego farogelinta ay xukuumadu ku hayso komishanka iyo
jiitanka la gelinayo hawl-qabadkii diwaan-gelinta waxaad dareemi kartaa
in arinkaa muddo kordhinta la wado
S: Komishanku waxa uu sheegay in liisaskii qaldanaa ay dib/ugu noqon
doonaan, hadana ay kii uun soo saareen, markaa maxaa isbedelka keenay
baad u malaynaysaan?
J: Way muuqataa in komishanka ay xukuumadu culays badan ku saartay
liisaskaasi oo ay diideen inay soo saaraan.
Guddoomiyaha
Komishanka Doorashooyinka Oo Xilkii Iskaga-Casiley Arrimo Caafimaad
Iyo Culeysyo Dusha Kaga Yimid Awgood |
Hargeysa, March 20, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha Komishanka
Doorashooyinka Qaranka Maxamed Yuusuf Axmed ayaa iska casiley xilkiisii
gudoomiyenimo ee komishanka.
Ma jiraan warar komishanka si rasmiya uga soo baxay oo la xidhiidha is-casilaada
gudoomiyaha iyo sababaha ku kalifay toona, Hase yeeshee siday ilo
xog-ogaal ahi shalay Haatuf u xaqiijiyeen Maxamed Yuusuf waxa uu is-casilaadiisa
u gudbiyey shalay gudida komishanka, isaga oo ku sababeeyey arimo
caafimaad.
Maxamed Yuusuf waxa uu xilka gudoomiyenimo ee komishanka soo hayay ilaa
October 5, 2007, kadib markii golaha wakiiladu uu dhamaystirey
ansixintii todobada xubnood ee komishanka bishii September, 2007.
Hase yeeshee mudooyinkan dambe waxa isa soo tarayay warar sheegayay in
gudoomiyuhu damacsanaa in uu iska casilo xilka gudoomiyenimo ee
komishanka, si ay ugu suurtowdo inuu dibada ugu baxo baadhitaano la
xidhiidha caafimaadkiisa.
Dhinaca kalena, waxa iyaguna jirey tibaaxo kale oo sheegayay in arimaha
caafimaad ee uu tirsaneyey Maxamed Yuusuf ay u dheeraayeen culaysyo iyo
farogelino shaqadiisa ah oo kaga imanayay Madaxweyne Rayaale iyo madaxda
xisbiyada mucaaradka iyo waliba murano ka dhexbilaabmay qaar ka mid ah
xubnaha komishanka dhexdooda.
Maxamed Yuusuf oo la filayo inuu todobaadkan gudihiisa dibada ugu baxo
baadhitaan caafimaad ayaa sida la sheegay aan iska casilin xubinimada
komishanka, balse uu iska casilay oo kaliya xilkii gudoomiyenimo ee
komishanka, waxaana la filayaa in jagadan gudoomiye ee uu baneeyey uu si
ku-meel-gaadh ah u sii hayn doono gudoomiye ku xigeenka komishanka Xirsi
Cali Xasan.
Sucuudi Carabia Oo Furay Hudheelkii Ugu Horeeyey Ee
Dumarka U Gaar Ah
Riyadh (Reuters) wadankan ayaa doonaya sidii uu u sii adkayn lahaa
xayndaabka uu ku hayo raga iyo dumarka kala ajanabiga ah.
Waxay sucuudi Arabia ku qaadatay wakhti dheer maskax doodana ay ku
wareegaysay sidii dumarka loogu furi lahaa hudheel u gaara,
Boqor tooyada sucuudigu waxa ay furtay hudheelkan ugaarka ah dumarka
maalintii khamiistii. hudheel kan ayaa dumarku ka heli doonaan qalab
quruxbadan oo caafimaad koodana u wanaagsan taasina waxa ay meesha ka
saartay raga oo lagu eedaynjiray in ay indhaha la raacaan dumarka.
Qaabkan maskaxeed ayaa xadhiga ku xidhaya dumarka, waxaana mulkiyada
hudheelkan iska leh dumar mudalabka shaqaaluhuna waa dumar sidoo kale
ijineerka xaga dabka ee tignoolajiyaduna waa la mid
Maamule ku xigeenka hudheelka oo layidhaa Lorraine coutinho ayaa u
sheegtay Reuters oo tidhi’ kani waa dalab ku yinid shirar waawayn oo la
yeeshay, waxaa aduunka jira hudheelo ay iska lee yihiin dumarku oo u
gaar ah,, sucuudiga ayaa ah mid aad ugu adag dhaqankii hore ee laga
baxay oo wadaado curyaamiyaan dumarku in ay sameeyaan wax dhaqdhaqaaqa,
waxa ay figradani ka timid shir ay yeesheen niman asxaaba kuwaas oo ay
shaqadoodu tahay dirawaliin iyo shaqaale caadiya
Baaq xukun oo soobaxay bishii January ayaa dumarka u ogolaanaya in ay la
istaagi karaan jinsi ka duwan hudheelada iyadoon la isticmaalay daroogo
iyo kuwaa aan xubin qoys ka ahayn, laakiin waxa ay tani siinaysaa waxyar
oo xoriyada
Mulkiyada hudheelada luthan iyo spa waxaa iskaleh 20 dumarka amiirada
boqortooyada iyo haween ganacsada yaal ah, waxaana garabka ah todoba
boqorada suldan bin salman inanka maayirka awooda wayn ee Riyadh oo la
caleemo saaray galabnimadii khamiistii ayaa yidhi” tani waxa ay
kulminaysaa dumarka sucuudiga oo u baahnaa meelay istaagaan oo ay ku
nastaan sidii ay ugu wareegi lahaayeen wadankooda.” Waxaa kale oo uu u
sheegay dumar war fidiyeeno ah oo taagnaa qololka. Top
Germany:
Bistoolad Rasaasi Ku Jirto Oo Laga Helay Baaskiilka Carruurta Lagu
Riixo |
BERLIN (Reuters) – Bistoolad lix xabo oo rasaas ahi ku jirto ayaa laga
helay mid ka mid ah baaskiilka carruurta lagu ciyaarsiiyo dalka Germany.
Qoys da’ yar oo ka soo jeeda waqooyiga magaalada Verden ayaa ka helay 9
xabo oo rasaas ah bistoold kuwa carruurtu ku ciyaarto ah oo ku jirta
xagga dambe ee baaskiilka ay carruurta ku kaxeeyaan.
Qoyskani waxa ay arrintan ku wargeliyeen bileyska, ka dibna waxa loo
tegay ninkii laga soo iibiyay oo isaguna sharaxaad ka bixin kari waayay
halkii hubkan lagaga soo riday.
"Waxa uu sheegay in aanu lahayn isagu” ayay bileysku yidhaahdeen.
Gabadhii
Galaafatay Badhasaabkii Hore Ee New York Oo Khasaartay $1 Milyan
|
LOS ANGELES (Reuters) - Ashley Alexandra Dupre, oo ah gabadhii xudunta
uu ahayd fadeexadii galmada ee galaafatay Badhasaabkii hore ee gobolka
New York ee dalka Maraykanka, Elliot Spitzer ka dib markii ay
warbaahintu shaacisay inuu gabadhaasi la tuntay ayaa la ogaaday in ay ku
heshay hawsha ay ninkaasi la gashay lacag dhan $1 milyan oo dollarka
Maraykanka ah, sida ka muuqata cajaladihii hore ee la daawaday.
Sida laga daawaday cajalada DVD-ga ah ee la shaaciyay, gabadhan oo
markii dambe is-qarisay, waxa la sheegay in qorshuhu ahaa is-qaawinteeda
inay ku hesho lacag gaadhaysa hal milyan oo dollar, isla markaana la
qorsheeyay in lagu baahiyo website.
Gabadhan la waayay waxa loogu balan qaaday in la siin doono $1 milyan
marka la baahiyo, hase yeeshee shirkadii markii hore balantaasi qaaday
ayaa markii dambe ka noqotay qorshaheedii.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii , Spitzer oo ahaa Badhasaabkii
gobolka New York is-casilay, ka dib markii ay boggaga baahinta wararka
soo gashay warka la xidhiidha fadeexadda galmada ee soo waajahday.
Qaban-Qaabiyayaasha Ciyaaraha Olambiga Shiinaha Oo Sheegay Inay
Bedelayaan Musqulihii Hore
Kooxaha qaban qaabinaya ciyaaraha Olympic-ga ee lagu qabanayo dalka ayaa
sheegay in cabasho ka timid xagga ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee
shisheeyaha ee saddex meelood oo ka mid ah goobaha loogu talo galay in
lagu qabto, oo la xidhiidha xagga suuliyada biyaha la raaaciyo ay heleen.
Inta badan suuliyadda dalka Shiinuhu waa nooca lagu fadhiisto ee biyaha
badan la raaciyo, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwa fadhiga ah ee aanu
qofku dabada saarayn ee uu ka sareeyo, waxaana la sheegay inay
arrintaasi aanay jeclaysanin ka qayb galayaasha shisheeyaha ee ciyaaraha
Olympic-ga u tegaya Shiinuhu, sababo la xidhiidha biyo raacinta faraha
badan ee ay u baahan yihiin suuliyadda badhida la dul dhigayaa.
"Aragtidayda shakhsiga ah waxa jira kala duwanaasho xaga dhaqanka ah oo
u dhexeeya reer galbeedka iyo Shiinaha. Suuliyadda badhida la saaro ayaa
laga isticmaalaa Shiinaha ee biyaha la raaciyo” ayuu yidhi Yao Hui, oo
ka mid ah saraakiisha sar sare ee goobaha Olympic-ga lagu qabanayo
Shiinaha u diyaarinaya.
"Qaabka Suuliyada ee mashruucani wuxuu u samaysan yahay habka cufka
shimbiraha oo ku wareegsan garoonka Qaranka (National Stadium), laakiin
biyuhuna waa la raacinayaa haddii ay xagga farsamadu ogolaato, haatanse
dhammaan suuliyadda imika yaala waa la wada bedelayaa”.
"Waanu bedeli doonaa suuliyadda inta aanu karno, gaar ahaan kuwa
macaamiisha muhiimka ah, sida ciyaartoyda, qoysaska iyo xubnaha
warbaahintaba” ayay yidhaahdeen masuuliyiinta farsamada ee Shiinaha u
qaabilsan diyaarinta ciyaaraha Olympic-ku.
Magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinuhu waxay leedahay 5,200 oo kuwa
dadweynaha, sida ay soo werisay Beijing Evening Post oo dalkaasi ka soo
baxdaa bishii hore, waxaanay ka suuliyo badan tahay dhammaan
magaalooyinka dunida.
Top
|