Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1683 Mar.23, 2008

Fooshii Kaambeynka Doorashada Oo 6 Gobol Iyo 16 Degmo Kaga Soo Daadisay Madaxweynaha

Siyaasiyiinta Iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Degmada Buuhoodle Oo Bogaadin Madaxweynaha Uga Soo Jeediyey Fulinta Dalabka Weftiga Buuhoodle

Arimaha Siyaasaded Ee Gobolka Sool Halkee Bay Iska Xidhi La’yihiin?

Dhirta Maalin Walba La Dhuxulaysto Iyo Degaanka Somaliland Oo La Sheegay Inuu 10 Sanno Dabadeed Dhul Saxare Ah Isu Bedeli Doono

Maalinta Biyaha Adduunka Oo Boorama Laga Xusay

Agaasimaha Macdanta Iyo Biyaha Oo Ka Waramay Hawlaha Sahaminta Ah Ee Ay Shirkadda TGS Ka Wado Dalka Iyo Booqashadu Wasiirku Ku Tegi Doono Maraykanka

Dirawaliinta Iyo Gaadiidka Iskaga Goosha Xeebta Galbeed Oo Laga Mamnuucay Inay Maraan Dawga Cad Iyo Arrimaha Ku Gedaaman

Madaxtooyada Oo Beenisay Qorshe Ay Q. Midoobay Isugu Diyaarinayso Inay Ciidamo Keento Somaliland Iyo Somalia

NASASHADA WARGEYSKA: Dalka Shiinaha Oo Ay Ku Habsatay Cabsi Laga Qabo Jooniska “B”

Dhalinyaro Dukaan Boobtay Oo Bileys Lugahooda Ku Doontay

Ururka Gaadiidleyda Iskaga Gooshta Somaliland Iyo Djihouti Oo Ku Baaqay In La Sii Daayo Dirawaliinta La Xidh-Xidhay

Hargeysa: Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dhibaatada Qabyaalada

Mudaneyaasha Wakiilada Oo Loo Qaybiyey Laba Xeer Oo Ajandahooda Aan Ku Jirin

Doorashooyinka Dawladdaha Hoose Iyo Madaxtooyada Iyo Tibaaxaha Isa Soo Taraya Oo Shaki Gelinaya Inay Waqtigooda Ku Qabsoomaan

Maxamed Ismaaciil Kabo-Weyne Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 


Fooshii Kaambeynka Doorashada Oo 6 Gobol Iyo 16 Degmo Kaga Soo Daadisay Madaxweynaha

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin inuu lix gobol oo cusub u magacaabay dalka Somaliland, kuwaas oo kala ah; Gobolka Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso Gabiley, Gobolka Badhan oo magaalo madax u noqonayso Badhan, Gobolka Buuhoodle oo magaalo madax u noqonayso Buuhoodle, Gobolka Salal oo magaalo madax u noqonayso Saylac, Gobolka Saraar oo magaalo madax u noqonayso Caynabo iyo Gobolka Oodweyne oo magaalo madax u noqonayso Oodweyne.

Madaxweyne Rayaale waxa uu isla shalay soo saaray xeerar uu ku magacaabayo 16 degmo oo cusub, kuwaas oo kala ah:
1. Degmada Wajaale oo ka tirsanaan doonta gobolka Gabiley.
2. Degmada Widh-widh oo ka tirsanaan doonta gobolka Buuhoodle.
3. Degmada Qurulugud oo ka tirsanaan doonta gobolka Buuhoodle.
4. Degmada Go’da-weyn oo ka tirsanaan doonta gobolka Saaxil.
5. Degmada Hara-Sheekh oo ka tirsanaan doonta gobolka Oodweyne
6. Degmada Raydab-Khaatumo oo ka tirsanaan doonta gobolka Oodweyne.
7. Degmada Garba-Dadar oo ka tirsanaan doonta gobolka Salal.
8. Degmada Boon oo ka tirsanaan doonta gobolka Salal.
9. Degmada Xariirad oo ka tirsanaan doonta gobolka Salal.
10. Degmada Laas-ciidle oo ka tirsanaan doonta gobolka Saaxil.
11. Degmada Wari-daad oo ka tirsanan doonta gobolka Saraar.
12. Degmada Ceelal oo ka tirsanan doonta gobolka Saraar.
13. Degmada War-Cimraan oo ka tirsanaan doonta gobolka Togdheer.
14. Degmada Magaalo-Cad oo ka tirsanaan doonta gobolka Awdal.
15. Degmada Xaaji Saalax oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne.
16. Degmada Kalabaydh oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Inkasta oo la sheegay in madaxweynuhu wasaarada arimaha gudaha u gudbiyey qoraal uu kula socodsiinayo in magacaabista gobolada iyo degmooyinka cusub aany wax saamayn ah ku yeelan doonin doorashooyinka soo socda, hadana waxay dad badani aaminsan yihiin in Fooshii Kaambeynka Doorashadu uu Madaxweyne Riyaale kaga soo tuuray 6-da gobol iyo 16-ka degmo ee uu shalay magacaaby.

Hase yeeshee dad ka faalooda arrimaha gudaha ee dalka, ayaa talaabadan cusub ee madaxweynuhu ku magacaaby gobolada iyo degmooyinka cusub ku tilmaameen mid aan wax taageero ah dadweynaha dhexdiisa uga soo kordhin doonin wax ay ka dhinto mooyaane, iyada durtaba ay soo baxeen dhaliilo hor leh oo meelo badan lagaga cabanayo in magacaabistani dhaliso qalalaase iyo iska hor-imaad ka dhex dhaca bulshooyinkii nabada ku wada deganaa.
 


Siyaasiyiinta Iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Degmada Buuhoodle Oo Bogaadin Madaxweynaha Uga Soo Jeediyey Fulinta Dalabka Weftiga Buuhoodle

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Siyaasiyiinta, wasiirada, madax-dhaqmeedyada iyo xildhibaanada baarlamaanka ee degaanka Buuhoodle ayaa madaxweyne Rayaale bogaadin iyo hambalyo uga soo jeediyey qaabkii uu u soo dhoweeyey dalabkii weftiga cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle kaga codsadeen sii deynta maxaabiistii degaankaasi iyo gobolka Sool laga soo qabtay iyo codsigii kale ee ay weftiga Buuhoodle kaga codsadeen in degmadaasi gobol loo magacaabo, taas oo Madaxweynuhu labadaas qodob fuliyey.

Sidaana waxay xubnahaasi ku sheegeen warsaxaafadeed qoraala oo ay soo gaadhsiiyeen wargeyska Haatuf, kaas oo ay ku saxeexnaayeen gudoomiyihii hore ee wakiilada, hadana ah xubin sharaf guurtida ka tirsan Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) iyo xildhibaano labada gole baarlamaan kaga jira degmadaasi, waxaanu qoraalkoodu u qornaa sidan:

“Waxaanu Madaxweynaha Somaliland mahadnaq iyo bogaadin uga soo jeedinaynaa sidii diiranayd ee uu u qaabiley weftiga cuqaasha iyo waxgaradka iskugu jirey ee degaanka Buuhoodle ka soo kicitimay ee socdaalka ku yimid caasimada dalka, taas oo madaxweynuhu ka aqbalay codsigii ay uga soo gudbiyeen sidii uu cafis ugu fidin lahaa maxaabiistii degaanka Buuhoodle iyo gobolka Sool lagu soo qabqabtay iyo codsigii gobolnimada Buuhoodle ay ugu soo bandhigeen qodobadaas oo Madaxweynuhu weftiga ka ogolaaday, isla markaana uu fuliyey ayaa hadaanu nahay siyaasiyiinta, xildhibaanada labada gole baarlaan iyo gud ahaanba bulshada degaanka Buuhoodle, Madaxweynaha uga mahad-celinaynaa sida xilkasnimada iyo geesinimada lahayd ee dalabka weftiga degmadaasi uu u ajiibay, isla markaana u rumeeyey balantii uu uga qaaday fulinta qodobadii ay u soo bandhigeen”.

 


Arimaha Siyaasaded Ee Gobolka Sool Halkee Bay Iska Xidhi La’yihiin ?

Faalo A A Yuusuf

Shan bilood ayaa laga joogaa markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka qaranku magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka sool hadana wali waxaa laalan wax badan oo u baahnaa in waqti hore la soo afjaro.

Warbixintan waxaa uu weriyaha Haatuf ee Gobolada Bari ee Somaliland ku eegayaa Xaalada guud ee Magaalada laascaanood ee Waqtigan iyo dhaliilaha maamul ee ka muuqda.

Hadii aynu hoos ugu daadegno muqaalka waqtigan ka muuqda gobolka sool oo intiisa badan ay hadda Somaliland maamusho ayaa hadana waxa jira qaybo ay wali puntland ku sugantahay oo ka taliso kana soo abaabusho siyasadaheeda ku wajahan gobolka ee lagaga soo horjeda Somaliland.

Garaadada u dhashay gobolka oo cagaha ku wata badiba cuqaashi iyo waxgarad kale ayaa ku sugan magaalo madaxda maamulka puntland ee Garowe taniyo markii ay baaqa ka soo saareen magaalada Boocame 21/11/2007 taas oo ay ka qaybgaleen in ka badan 99 ka mid ah ismada gobolkaasi,baaqaas oo Somaliland ka dhan ahaa ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in Somaliland lala galo dagaal lascaanoodna xoog lagaga saaro tan iyo waqtigaa isimadu waxa ay ku sugnaayeen Garoowe mararka qaarna waxa ay yimaadaan jiidaha gobolka sool oo ay ku suganyihin ciidamo ay iyaga iyo puntland ku ururiyeen.

Garaaddada oo taagerada ugu badan ka helaya jaahliyadaha Gobolkaas ee debedaha ayaa marba ayaan ilaa imika aan wax war ah laga haynin Colaad iyo nabad mid ay ugu maqan yihiin dadkooda, isimada oo ah madax dhaqameedyada dadka degaanada ahna wax aan la dhayalsan Karin ayaa waxa muuqda in aanay Somaliland dhinaceeda wax muhiimada siinayn arintaas oo ah mid gabi ahaanba halis ku ah qaranka Somaliland iyo guulaha ay ciidamada qaranku ka gaadheen gobolkaas mana aha wax qarsoon iyo sheeko balse waxay tahay wax qofkasta oo xaqiiqda hoos ugu daadagaa uu garan karo muga iyo miisaanka ay leedahay arinta maqnaanshaha Madaxdhaqameedyada iyo bulshada gobolku ay kala maqan yihiin.

haseyeeshe bulshada reer laascaanood ayaa iyagu u eg kuwo hadda danaynaya nabada iyo wax qabad inkasta oo ay Somaliland wax badan sheegtay in ay u qabanayso bulshada deegaanadaa ayaan ilaa hadda aanay jirin wax muuqda oo loo qabtay waxaana jira dhaliilo waaweyn oo ah kuwo ay ku sii fogaan karaan dadka reer Somaliland ee degan lascaanood haddii aan si dhakhso ah wax loogu qaban.

Tusaale ahaan marka aad diirada saarto sawirada ka muuqda magaalada ee sida ay Somaliland wax uga qabatay ilaa iyo hadda ayaa ah kuwo gaabis ah badiba ma jiro adeeg fiican oo ka socda goobaha arimaha bulshada sida dhakhtarka weyn ee lascaanood ayaa adeegyada ka socdaa ay iska liitaan iyada oo dhowaan la furay ka dib markii muddo maamulkiisa laysku hayey, inkasta oo ay Somaliland waqtigii gobolka laga saarey maamulkii Puntland ay waxoogaa daawooyin ah oo lagu sheegay inay muddo ku filantahay cusbitaalka lagu wareejiyey ayaa waxa ka danbeeyay is qabsiga maamulka cusbitaalka kaas oo wax badan dib u riday.

,Magaalada oo ah magaalo aad u weyn ilaa iyo hadda malaha hal iska rogo oo qashinka ka gurta magaalada, maleh gaadhi cashurta lagu soo ururiyo .Baankeedu ilaa iyo hadda waa xidhanyahay waxaana la ii sheegay inay ku jirto lacag giinbaar ah oo ay puntland kaga carartay, kastamkii cashuraha ee gobolku wali waxa uu ku yaala Caynaba oo si ku meelgaadha uu hore ugu shaqaynayey, bilayska ayey dadku shaqadooda aad uga dayrinayaa waxa kaliya ee shaqaynayaa oo ishaadu qaban kartaa subixii waa xafiiska badhasaabka, maayirka, Wasaarada Waxbarshada iyo maxkamada oo iyadu ku jirta xafiis qabyo ah afrtaa meelood marka laga reebo waxbarshada oo iyadu ah xafiiska qudha ee si fiican u qalabaysan ama u hawlgala saddexda kale waa kuwo kala dhantaalan siiba dawladda hoose iyo maxkamadaha oo ay ka muuqdaan duruufo aanay la shaqayn Karin sida gaadiid ay ku hawlgalaan iyo ciidanka bilayska oo ah mid wali sidii la rabey aan u shaqayn kaas oo aad moodo inay ka muuqato inay qaloonayaan.

Haseyeeshee maamulka gobolka oo ah masuulka ugu sareeya ee gobolka isla markaana xukumada dhexe u qaabilsan siyaasadaha gobolka ayaanay si cad u muuqan caqabadaha hortaagan maadaama uu ka mid yahay masuuliyiinta loo bahanaa in waqti hore ay door firfircoon ka ciyaaraan arimaha maqnaashaha isimada gobolka , balse waxa laga yaabaa in ay haystaan xadhko meelo sare ka xidhani , kuwaas oo aaanay furfuri karin masuuliyiinta Gobolku.

Si kastaba ha ahaatee waxa lagama maarmaan ah in si dhakhso ah loo helo siyaasad iyo Barnaamij lagu baadi doonayo isimada gobolka Sool , isla markaana si dhakhso ah loo gaadhsiiyo waxqabadkii loo balanqaaday dadweynaha reer Laascaanood taas oo noqon karta mida qudha ee arimaha Gobolka xal loogu heli karo hadiise ay wax waliba sidan u sii jiitamaan waxaa laga yaabaa inay soo bixi karaan waxyaabo badan oo hadda huursan oo halkaas ka jiraa.

 


Dhirta Maalin Walba La Dhuxulaysto Iyo Degaanka Somaliland Oo La Sheegay Inuu 10 Sanno Dabadeed Dhul Saxare Ah Isu Bedeli Doono

“Dhuxushan Ma Joogsanayso Ilaa Wax Lagu Bedelo La Helo” – Fu’aad Aadan Cadde

“Ilaa Xaawa Iyo Aadan Waxaynu Shidanaynay Dhuxusha Ee Maxaa Isbedelay” – Maxamed Diiriye Oo Ka Ganacsade Dhuxusha

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Khubarada Arrimaha Degaanka ayaa ka digay in dhulka Somaliland Tobanka sanadood ee soo socda isu wada rogi doono dhul lama degaan ah, hadii aan hada layska dabo-qabatayn dabar-goynta lagu hayo dhirta qoyan ee laga shido dhuxusha, taas oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey ka mid noqotay ganacsiyada ugu balaadhan ee ka jira dalka.

Khuburadu waxa kale oo ay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta isbedelkaasi, kaas oo ay ku tilmaameen mid keeni doona abaaro iyo nabaad-guur dabar-gooya xoolaha iyo xayawaankaba.

Ilaa hada kama jiraan Somaliland qorsheyaal lagaga hortagi doono aafooyinkan la saadaalinayo inay galaafan doonaan maal iyo moodba, isla markaan ilaa hada ma jiraan qorsheyaal suurto-gelinaya in lagaga maarmo dhuxusha oo la sheegay in ugu yaraan 95% dadka ku nool Somaliland ay u isticmaalaan shidaal ay raashinka ku karsadaan.
Inkasta oo dhawr jeer laysku dayay sidii loo yarayn lahaa isticmaalka dhuxusha, looguna bedeli lahaa isticmaalka Shooladaha Gaasta, hadan qorsheyaashaasi may tis-qaadin oo markiiba way burbureen.

Haddaba, wasiirka horumarinta reer miyiga iyo degaanka Fu’aad Aadan Cade oo aanu arimahan wax ka weydiinay ayaa sheegay inay adagtahay oo aanay suurto-gelayn in la joojiyo isticmaalka dhuxusha ee dhirta laga shido, ilaa iyo inta si dhab ah loo helayo wixii lagu bedeli lahaa ee lagaga maarmi lahaa. Waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya “Dhuxushii ma joogsanayso ilaa wax lagu bedelo la helo, waxaan aad ugu dedaalay in wershada haamaha gaskaa cashuurtii laga dhimo, waanay naga aqbaleen wasaarada maaliyada iyo wasaarada qorsheyntu, warqad cashuur dhaaf ah oo aan u qorey. Laakiin waxa aan iyada waxba la nagala qaban hirgelinta shoolado fiican oo dalka gudihiisa lagu sameeyay, waxanan cid kasta iyo dawlada aan u soo bandhigay in nimankaa farsamo-yaqaanada ah ee shooladahan la mal-geliyo oo la yidhaahdo wax badan sameeya, kadibna dadka loo qaybiyo, dabeeto arintaasi waxay noqotay mid macquul ah, madaxweynuhuna waxa uu u saaray gudi wasiiro ah, balse arintaasi waxba way ka socon waayeen”.

Waxa kale oo wasiirka degaanku sheegay inay jirto dhaqaale darro aan wasaaradiisa u saamaxaynin ay hirgeliso siyaabo badan oo ay doonaysay in wax uga qabto dhibaatooyinka badan ee degaanka ku habsaday.

Mar wasiirka aan weydiinay in beeraha dadku ootaan badbaadin karin degaanka, waxa uu wasiirku ku jawaabay “horta imika dhuxusha ganacsigeeda tijaar baa gashay, maaha berigii ay masaakiintu shidan jirtay, dadkan beeraha ooteyna waxay u samaysteen inay iibiyaan dhirtii iyo galoolkii ku dhexyaalay, tusaale hadaan idinka siiyo, ninkan reer miyiga ahaa ee ootey beerta ayaa waxa uu u imanayaa ninkii ganacsadaha ahaa, waxaanu ku odhanayaa 1000 geed baa beertayda ku yaala ee maxaad iga siisanaysaa, markaa dadkaasi beeraha ootey iyagaaba ugu daran”.

Dhinaca kale, sababaha kale ee loo malaynayo inay sii xoojiyaan isticmaalka dhuxusha ee ay bulshadu uga maaggan tahay isticmaalka shooladaha gaasta ayaa waxa ka mid ah aqoon la’aan iyo cuqdad ka haysata isticmaalka shooladaha, iyada oo dadka badankoodu rumaysan yihiin inay shooladuhu mar walba ku qarxayaan iyo iyada oo ay gaastu ka qaalisan tahay dhuxusha. Qiimaha halka litit ee gaasta ah ayaa hada suuqyada dalka ka marayay, 3800/-sh.sl, halka daasada dhuxusha ah lagu iibiyo 2500/-sh.sl. Sidoo kale, dumarka badankooda ayaa iyagu aan jeclaysan urta gaasta ka soo baxda marka wax lagu karinayo. Waxaanay gaasta badankeedu dalka ka soo gashaa dhinaca Itoobiya oo dalkaasina u soo marta dekeda Djibouti. Hase ahaatee gaasta Itoobiya marka ay Somaliland timaado iyada ayaa ka qiimo jaban gaasta dekeda Berbera soo marta ee shirkada total ay soo waarido.

Dhinaca kale, waxay dadka ganacsada dhuxushu ku doodayaan in dhibaatada ay dhuxushu degaanka gaadhsiiyo la wadaagaan dadka ka iibsanayaa, taas oo ay xuseen in hadii shacbigu helaan wax kale oo ay kaga maarman ay iyaguna iska dayn lahaayeen ka ganacsigeeda.

“Horta dadkeenu waligood ilaa xaawa iyo aadan waxaynu shidanaynay dhuxusha ee maxaa hada isbedelay, anigu ma qabo in waxaynaan hore u samayn jirin aynu hada samaynay, waayo dhuxusha waligeed baynu wax ku karsanaynay, kana ganacsanaynay, markaa wa mide marka hore yaynaan dhuxusha ka dhigin wax hore inooga xaaraansana, balse hada aynu bilownay. Mida kale ma diidani in dhibaato isticmaalka dhuxushu degaanka dalka ku hayso. Laakiin dhuxusha joojinteedu anaga oo kaliya nagama xidhna ee waxay ku xidhantahay shacbiga, shacbiguna hadii ay daayaan isticmaalka dhuxusha dee anagana khasab ayay nagu tahay, waayo yaanu ka iibin doonaa baa meesha tala, waxaanan qabaa hadii aniga iyo intayada kale ee ka ganacsatada dhuxushuba aanu iska dayno in aanay joogsanayn isticmaalka oo qaar kale ayuun baa keeni oo halkayagii geli doona, waayo dee shacbigii baa u baahan oo lacagtii la dul taagan” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada dhuxusha ee Hargeysa.
 

 


Maalinta Biyaha Adduunka Oo Boorama Laga Xusay

Boorama, March 23, 2008 (Haatuf) – Munaasabad lagu xusayey maalinta Biyaha Adduunka ayaa shalay lagu qabtay Hotel Rays ee magaalada Boorama.

Munaasabaddan ayaa waxa ka soo qayb-galay gyuddoomiyaha maamulka gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/Laahi Cige, Duqa Boorama C/Raxmaan Shide, Guddoomiyaha Jaamacadda Ccammuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Maamaulka shirkadda Shaba ee biyaha Boorama, Maamulka Ururk Bisha Cas ee gobolka Awdal Maxamed Xaaji Nuur, culimaa’uddiin iyo marti-sharaf kale, ugu horeyna waxa muhimadda Biyuhu u leeyihiin nolosha aadmaha iyo duunyadaba ka hadlay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxmuud Sh.C/laahi Cige, isagoo maamulka shirkadda Biyaha Boorama uga mahad-celiyey sidii wanaagsanayd ee ay maamulka biyaha u wadeen muddadaii lagu wareejiyey iyo sida haatanba ay u wadaanba .Guddoomiyaha gobolku waxa kale oo uu ka hadlay in la kordhiyo dedaalka loogu jiro sidii loo heli lahaa biyo kale, lagana sahamiyo degaanada ku dhaw-dhaw magaalada, taas oo buu yidhi lagaga bixi karo welwelka laga qabo biyaha Booranma inay gabaabsi ku noqdaan, isla markaana la isku geeyo maskaxda iyo cilmiga lagu hanan karo baadhista biyaha.

Duqa Boorama C/raxmaann Shide oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida maamulka dawladda Hoose ee Boorama iyo shirkadda biyaha Boorama ee Shaba uga mideysan yihiin toosinta maamulka Biyaha iyo dayactirka agabka biyaha. Waxaanu Maayarku in dad badani ka welwelsan yihiin biyo la waayo, taas oo buu yidhi aan ahayn mid xaqiiq ah, isla markaana ay jiraan biyo nagu filani cabsina aanay dadku u boobin biyaha haatan magaaladu cabto.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka soo jeediyey sidii maamulka jaamacadda Cammuud iyo dadweynaha Boorama iskaga kaashadeen samaynta shirkadda Biyaha Boorama ere SHABa iyo sidii dadweynaha qaarkii looga dhaadhicin lahaa in la helo nidaam wanaagsan oo loo sameeyo biyaha Boorama. Sidoo kale Prof. Saleebaan waxa uu ka hadlay siday jaamacadda cammuud khubaradeeda kala duwan diyaarka ugu yihiin inay reer Boorama kala qayb-qaataan sahaminta biyaha.

Guddoomiyaha saamileyda shirkadda Biyaha Boorama, Maxamed Nuur Faahiye ayaa isna halkaa ku soo bandhigay xaddiga biyaha shirkaddu soo saarto iyo sida magaalada Boorama ugu fideyso degaanno u baahan biyo dheeraad, waxaana guddoomiyuhu sheegay ama u soo bandhigay ka qayb-geleyaasha sida loogu baahanyahay in la helo biyo kayd ah oo mustaqbalka dheer laga faa’iideysan karo.

Sidoo kale maareeyaha shirkadda Biyaha Boorama C/raxmaan Cige oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey sida Shirkaddu ugu dedaalayso soo saarista biyo ku filan magaalada oo uu sheegay inay soo saaraan ugu yaraan 1650m3 maalintiiba, taas oo uu sheegay in ay tahay xad aan la dhaafi karayn wakhtigan xaadirka ah, sidaa darteedna loo baahanyahay in shirkadda lagala qayb-galo sahaminta biyo ku filaada magaalada mustaqbalka, isagoo sheegay inaysan haatan jirin biyo yari magaalada ka jirta, balse dadkii iyo xoolihii iyo jillaalka dheeraaday culays weyn saareen Kaydka biyaha oo hoos u sii dhacaya iyo gaadiidka oo niista ka guranaya dooxyadii biyaha kaydin lahaa.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay xubno isugu jiray culimaa’uddiin, khubar dhinaca biyaha oo ka kala socday hay’adaha qaarkood.
 


 Agaasimaha Macdanta Iyo Biyaha Oo Ka Waramay Hawlaha Sahaminta Ah Ee Ay Shirkadda TGS Ka Wado Dalka Iyo Booqashadu Wasiirku Ku Tegi Doono Maraykanka

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) - “Wasiirka waxa casuuntay shirkada TGS-Nopec si uu uga qayb galo shirka caalamiga ah ee shirkadaha saliidu iskugu imanayaan magaalada Houston” Sidaa waxa yidhi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Axmed Ibraahim Suldaan oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay Haatuf.

Agaasimaha oo waraysi khaas ah siiyay Wargeyska Haatuf, wuxuu isaga oo dhamaystiran u dhacay sidan:
S:Agaasime marka hore warbixin naga sii, barnaamijka sahaminta ee ay shirkadda TGS ka wado galbeedka dalka?
J: Shirkadda TGS waxay hawshan soo waday muddo badan, imikana waxa ay maraysaa halkii ugu dambaysay, waxaana loogu talo galay in marka hore ay dalka oo dhan ka samayso macluumaad la xidhiidha khayraadka ku duugan dhulka Somaliland oo dhan, waxaana la dhameeyay Air Magnetic Survey-gii, imikana waxa ay dhinaca galbeed ee dalka ka wadaa Seismic Magnetic offshore-ka, taasina imika waxay ku jirtaa gebagabo, waxaana hadhay wax aan bil ka badnayn. Waxaana 03/2/2008 laga bilaabay xeebta galbeed, in lagu sahamiyo biyaha xeebta (ffshore) ee Somaliland.

S: Shirkadda TGS sidee ayay u soo ceshanaysaa dakhliga ka gelaya hawsha sahaminta ee ay samanayso?
J: Waxa ay u soo ceshanaysaa habka wadaaga faa’iidada, taasi oo ah saami ku yeelashada wax-soo-saarka ( production sharing), taasi oo ah marka wax la soo saaro in halkaasi ay uga soo noqoto kharashkii ka galay.

S: Waxa la sheegay in shirkadda Total xarunteeda Paris saraakiil ka socotaa ay dalka yimaadeen, ka dibna aad ku xidheen inay la xaasho shirkadda TGS, miyaanay taasi ahayn inaad hawshii Wasaaraddaba u xilsaarteen shirkadaasi?
J: Horta aan ku saxo’e sannad horteed ayay ahayd markii ay noo yimaadeen saraakiisha ka socota shirkadda TOTAL, waxaanay naga codsadeen in aanu block ay saliid ka baadhaan siino, waxaananu u sheegnay in aanu heshiis kula jirno shirkadda TGS NOPEC, marka macluumaadka sahaminta la dhameeyana ay wada hadalada block ay doonayaan sugaan, ka dibna markaasi aanu ka xaalno block-ga la siinayo.

S: Haddii aad shirkadda TGS NOPEC, heshiiskeeda u tixgeliseen Block-gii ay doonaysay shirkadda TOTAL, markaa ma la odhan karaa, shirkadda TGS dano weyn ayaa inoogu xidhan oo malaha dawladeeda Norway ayaad aqoonsi inooga haysaan?
J: Horta ma jirto cid aanu xidhnay, shirkadda TGS-na waxa weeyaan marka ay sahaminta dhamayso cidii doonaysa inay saliid ka baadho dalkeena waxa loo dhigi doonaa Bid ama Qandaraas, markaa cidii ku guulaysata ayuun baa heli doonta, umanaanu xidhin shirkadda TGS, laakiin markii aanu soo bandhignay waxay noqotay shirkadda keli ah ee naga ogolaatay, xataa shirkadaha waaweyn ee aad sheegayso waanu la xidhiidhnay oo qaar badan oo na diiday ayaa jira oo ay kuwa Maraykanku ka mid yihiin.

S: Waxa la sheegay in Wasiirku dhawaan u safri doono magaalada Houston ee dalka Maraykanka, isla markaana uu hadda ka soo noqday safar uu ku tegay Itoobiya oo uu fiise ugu doontay, iyada oo ay fiisaha u soo qaadayso shirkadda TGS, markaa bal arrintaana nooga waran?
J: Way jirtaa oo aniga iyo Wasiirkuba waxa aanu booqasho ku tegi doonaa shirweyne lagu qabanayo magaalada Houston ee dalka Maraykanka bisha April ee soo socota, sideedabana marka qofku doonayo inuu dal tago, si fiisaha loogu soo saaro waa inay cidi casuuntaa, markaa yaa casuumay ayaa meesha taala, tusaale ahaan anigu Baasaaboor ajnebi ah ayaan sitaa oo uma baahni, laakiin Wasiirku wuu u baahan yahay.

S: Wasiirka Ma TGS ayaa hogaaminaysa oo ku casuuntay inuu shirkaasi ka qayb galo?
J: Haa oo TGS ayaa ku casuuntay, laakiin iyadu ma hogaaminayso, ee waxa ay u dalbaysaa uun fiisaha oo lagu xidhayo marka Maraykanka la tegayo in ujeedadii aad u tegaysay iyo meeshii aad tagaysay iyo cidii ku casuuntayba lagaa helo, sida nidaamku yahay, sidaasi ayay ku casuuntay wasiirka shirkadda TGS, laakiin iyadu ma hogaaminayso.
S: Haddii shirkadda TGS casuuntay Wasiirka, miyaanay markaa noqonaynin in wasiirku ka mid yahay weftiga TGS ee ka qayb galaya, isla markaana halkii Wasiirku ka hogaamin lahaa iyadu hogaaminayso, taasina ay ka xidhi karto in shirkaasi oo uu Wasiirku fursad u heli lahaa inuu la kulmo shirkado waaweyn oo dunida saliida soo saara, sida Cheveron, Exxon iwm in ay u mari waayaan TGS?
J: Waxaad ogtahay duruufaha jira ee xagga Fiisaha ku xidhan, inuu Wasiirku u baahan yahay cid casuunta, waxaanu ka qayb galayaa Wasiirku shir ay halkaasi ku leeyihiin AAPG (American Association of Petroleum Group), shirkadda TGS-na waxay uun u soo dirtay casuumada, iskumana xidhna casuumadda iyo hogaamintu.

S: waxa aad ka warantaa shirkadda Range Resource, African Oil iyo Lundin xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Puntland?
J: Ma jiro wax ay wasaaraddu xidhiidh la leedahay Range Resource, waxaanu annagu maamulaa Somaliland, markaa annagu waxa Puntland nooma yaalo, namana khuseeyo.

S: Waxa ay Range Resource, saamilaydeeda u sheegtay in magaalada Hadaaftimo ee Somaliland oo ka mid ah meelaha ay kula heshiisay maamulka Puntland inay shidaal ka baadho ay dhawaan ciidamada Somaliland ka baxeen, ka dib markii ay maleeshiyo Beeleed deegaanka ahi ku kaceen, markaa waqti dhawna laga bilaabi doono ka waran?
J: Ciddii doontaa waxa ay doonayso ha tidhaahdo, laakiin Hadaaftimo waa dhulka Somaliland mana jirto cid ciidan ka soo saartay, dhulkana Somaliland-na macdantiisa iyo khayraadka ku duugan annaga ayaa u qaabilsan, laakiin cidii been isku sheegaysaa iyaga ayay jirtaa. Waxa aanu annagu wada hadalo la galnay shirkad African Oil iyo Range toona ma jirto.
Waraysi uu Agaasimuhu bishii February, horaanteedii siiyay Haatuf waxa uu ku sheegay inay la soo xidhiidhay shirkadda Lundin, isla markaana ay ku xidheen inay soo cadeeyaan in aanu jirin xidhiidh ka dhaxeeya shirkadda Range Resource, isla markaana ay shirkadaasi u soo sheegtay in aanu jirin xidhiidh ka dhaxeeyaa, hase yeeshee sida ay sheegeen dadka la socda arrimahan, shirkadaha Lundin, Range Resource iyo African Oil, waxa weeye shirkado isku wada xidhan oo ay leeyihiin ganacsato reer Australia ah oo ku dhaw 200 boqol, isla markaana la inta la ogyahay aan weligood kob caleen leh ka soo dur-durin.
 


 Dirawaliinta Iyo Gaadiidka Iskaga Goosha Xeebta Galbeed Oo Laga Mamnuucay Inay Maraan Dawga Cad Iyo Arrimaha Ku Gedaaman

Sagaal Dirawal Iyo Gaadiidkoodii Ayaa Ku Kala Xidhan Boorame, Lughaya, Geerisa, Iyo Hargeysa

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Ugu yaraan laba gaadhi oo kuwa Landcruisers-ka ah ee rakaabka u qaada dalka Djibouti ayaa habeen hore laga soo celiyay magaalada Lughaya, iyaga oo u sii jeeda magaalada Lawyacado ee xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti, ka dib markii ay ciidamada Qaranka Somaliland ee aagaasi ku amreen in aan loo ogolayn inay safarkooda sii wataan.

Labadan gaadhi oo habeen hore soo gaadhay magaalada Hargeysa waxa ay sheegeen inay ciidanka Qaranku gaadhi sikaawi ah kaga soo kaxeeyeen Lughaya, isla markaana ku keeneen halka Dawga Cad laga soo koro.
Ciidanka Qaranka ee xeebta galbeed ayaa soo qabqabtay in ka badan 9 gaadhi iyo dirawaladoodii iyo rakaabkii saarnaa, kuwaasi oo iskaga gooshayay Hargeysa iyo Lawyacado.

Sida ay sheegeen dirawaladani waxa sababta xadhigooda lagu sheegay in rakaabkooda ay ka mid ahaayeen dad u dhashay Somalia oo looga shakisan yahay inay doonayeen inay tahriibaan.

“Salaasadii ayaan rakaab ka qaaday Hargeysa, markii aan gaadhay Lughaya ayaa la igu yidhi leexi baabuurka, waxa rakaabkaaga ka mid ah dad reer Somalia ah, laakiin dadkan reer Somalia anigu Somaliland xuduudaha kama soo gelinin’e, waxaan si sharciya uga rakaabsaday istaanka Hargeysa, sharcigooda iyo sharci la’aantoodana dawladdii u qaabilsanayd markay xuduudaha ka soo gelayaan inay aniga ii qabsato ima qabato” sidaa waxa yidhi, Xuseen Cumar Madoobe oo imika ku xidhan saldhiga dhexe ee Boorame, ka dib markii laga soo qabtay Lughaya.

Waxa kale oo saldhiga SHeekh Nuur ku xidhan saddex dirawal oo la kala yidhaahdo Maxamed Xirsi, Mustafe Axmed iyo mid kale iyo weliba ilaa todoba qof oo reer Somalia ah, kuwaasi oo iskugu jira shan dumar ah iyo laba rag ah iyo weliba laba caruur ah oo ay da’doodu tahay 4 ilaa shan jir, kuwaasi oo ninkii siday oo magaciisa la yidhaahdo Aadan Xasan sheegay inay yihiin carruur agoon ah, isla markaana uu ka soo qaaday magaalada Boosaaso oo uu doonayo inuu u geeyo ayeydood oo degan Djibouti, ka dib markii hooyadood oo ay isaga walaalo ahaayeen kaga dhimatay Boosaaso.

Shanta dumar ah oo magacyadooda la kala yidhaahdo, xabiiba Xasan Cabdi, Xaliimo Cali, Xaawa Ibraahim, Safiya Cabdi iyo Nuurto Xuseen waxa ay sheegeen inay ka yimaadeen Muqdisho, oo ay doonayaan inay Djibouti qaxooti ka noqdaan, hase yeeshee ay ciidamada qaranka ee xeebta galbeed ee Somaliland ka soo qab-qabteen degmada Lughaya, isla markaana iyaga iyo dirawaladii gaadiidkii sidayba la soo xidhay 17/03/2008.

Dadkan reer Somalia ee ku xidhan Saldhiga Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa waxa ay sheegeen in aanay magaalada ehel ku lahayn, isla markaana intii ku xidhnaayeen ay raashinka la cunayeen dirawalada gaadiidkii siday oo iyaguna la xidhan.
Sidoo kale, waxa saldhiga Sheekh Nuur ku xidhan ugu yaraan saddex dirawal oo ah kuwii ay la socdeen dadkan reer Somalia, waxaanay sheegeen in 17/03/2008, markii ay saddexdii habeenimo gaadheen magaalada Lughaya ee ay kaantaroolkeeda joogaan lagu war geliyay inay galaan saldhiga bileyska ee degmadaasi oo dhinaca Koonfureed kaga yaala magaalada, ka dibna loo sheegay inay xidh-xidhan yihiin, mar haddii ay sidaan dad reer Somalia ah.

“Markii aanu galnay Lughaya ee aan Kaantaroolkii joogsanay waxa lanagu yidhi, waad xidhan tihiin oo dad tahriib ah oo reer Somalia ah ayaad sidaan, waxaana lanagu xidhay saldhiga bileyska ee Lughaya annaga iyo gaadiidkayagiiba, dabadeedna markii waagii baryay ayaa sarkaalkii Milateriga halkaasi haystay waxa uu warbixin ku siiyay taliska ciidanka Qaran ee galbeedka in ay hayaan afar gaadhi oo dad tahriib ah sida, ka dibna aniga ayaa la igu amray in aan gaadhigayga ku soo qaado dirawaladii, rakaabkiina waxa la soo saaray gaadhi PG ah oo ay ciidanka Qaranku leeyihiin, waxaana la keenay Geerisa, halkaasi oo uu joogo taliyaha aagga galbeed ee ciidanka Qaranka Maxamed Xudhuun, waxaanu isaguna yidhi, gawaadhida ha lagu shubo shidaal, markii lagu shubayna waxa la noo soo dhaqaajiyay ilaa Boorame, markii aanu maraynay meesha la yidhaahdo Fardo Lagu Xidh ayaa nin naga mid ahi waxa uu yidhi, waxa aan raashin u soo qaadayaa dadkan carruurta iyo dumarka ah ee na saaran, ka dibna, isaga oo sugaya inta raashinkii loo keenayo ayaa la amray in la dhaqaajiyo, dabadeedna markii aanu in yar soconay ayaanu xasuusanay in aanu ka nimid, waananu joogsanay, hase yeeshee askari ka mid ah ciidankii Qaranka ee na waday ayaa intuu ku noqday laad kaga daadiyay raashinkii yaraa ee la soo hordhigay, isla markaana rasaas ku riday garabkiisa dulmartay oo ka baxday saqafka gurigii maqaaxida, waana lana soo waday ilaa Boorame la na keenay, markii aanu habeen ku jirnay haddana waxa la noo soo dhaafiyay dhinacan Hargeysa oo aanu hadda ku xidhanahay, intii aanu Boorame joognay waxa dhacday in ninkan I ag-fadhiya oo siday lacag uu doonayay inuu gaadhigiisa kaga soo cashuuro Djibouti oo qadarkeedu dhanaa $1500 oo dollar, inta uu nin uu garanayay u dhiibtay xoog lagaga soo qaaday ilaa imikana ma oga lacagtii cidda haysa inkasta oo Hargeysa loo soo bedelay, welina ma garanayno sababta aanu u xidhanahay”.

Sida ay sheegeen dirawalada baabuurta iskaga gooshta Hargeysa iyo Lawyacado, waxa ay dawladdu amar ku siisay in aanay soo marin wadada dawga cad, balse ay ka soo wareegaan wadada Cali Xaydh, taasi oo ay dirawaladu sheegeen in dawga cadi uga dhaw yahay, isla markaana uga fudud yahay marka la eego xagga dayactirka wadada.
Ciidanka Qaranku gaadhiga u hogaansami waayo amarkooda waxa ay ka qaadayaan ganaax lacageed oo qadarkiisu dhan yahay 160,000 oo Sl Sh ah.

“waxay ahayd muddo qiyaastii laga joogo 10 maalmood, markii aniga oo ka soo baxay Lawyacado ay ciidanka Qaranku igu amreen in aan maro wadada Cali Xaydh, balse waxa aan u sheegay in aan sido dad Ceel Sheekh u socda, ka dibna lambarkayga iyo magacayga ayay qorteen waxaanan soo maray dawga Cad, markii aan laabmay ee aan marayo Bariisle ayay I qabteen ciidanka Qaranku waxaanay igu yidhaahdeen waad xidhan tahay aniga iyo ninkan Farxaan la yidhaahdo, ayaa mid walba waxa la raaciyay askari in aanu dadka soo dhigno Lawyacado oo aanu ku soo noqono, markii aanu ku soo noqonayna waxa lanagu xidhay xerada ciidanka ee halkaasi oo aanu ku jirnay habeen iyo maalin, dabadeedna waxa lanagu ganaaxay mid walba 5000 FD oo u dhiganta 160,000”. Sidaa waxa yidhi, Maxamed Xirsi oo ka mid ah saddexda dirawal ee ku xidhan saldhiga Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxa xidhan ugu yaraan 9 dirawal, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, Maxamed Xirsi, Mustafe Axmed, Xuseen Cumar Madoobe, Mustafe Cumar iyo shan kale oo ku kala xidhan saldhiga bileyska ee Sheekh Nuur, saldhiga dhexe ee Boorame iyo saldhiga bileyska ee New Hargeysa.

Dirawaladan qaar rakaabkoodii waa la sii daayay qaar kalena way la xidhan yihiin.
Sida ay wararku sheegeen dadka reer Somalia ee u safraya Djibouti waxa ay bilaabantay dhawaan markii ay dawladda Djibouti bilawday in saraakiisha hay’adda qaxootiga u qaabilsan dalkaasi ee Oners iyo hay’adda UNHCR xafiiskeeda Djibouti bilaabeen inay xadka Djibouti Somaliland la wadaagto ay u soo direen saraakiil diiwaan gelisa, isla markaana ay xero qaxooti uga fureen dalkaasi.

Waxa ay wararku sheegeen in saraakiishaasi ay ku diiwaan geliyaan dadka reer Somalia meesha la yidhaahdo Lama Degaanka ee xadka u dhaxeeya labada dal.
Sida ay sheegeen dadka reer Somalia ee ay gaadiidkani qaadaan waxay ka kala yimaadaana Boosaaso, Gaalkacayo iyo Muqdisho.
Mid ka mid ah dadka reer Somalia ee haatan ku xidhan saldhiga bileyska ee Sheekh Nuur ayaa sheegay inuu markii hore ka yimid dalka Yemen, kaasi oo magaciisa la yidhaahdo Aadan Xasan. Waxaanu sitaa list Paste ay ku taalo Fiise Yemeni ahi.

Dirawalada gaadiidka iskaga goosha Hargeysa iyo Lawyacado ayaa ku dooday in aanay iyagu qaadin wax dad ah oo tahriib, isla markaana marka ay Hargeysa ka sii baxayaan warqad ka sii qaataan saldhiga Daloodho si marka ay Lawyacado tagaan la iskugu hubiyo, waxaanay dawladda ka codsadeen in xadhigan iyo caga juglaynta laga daayo.

Top


 Madaxtooyada Oo Beenisay Qorshe Ay Q. Midoobay Isugu Diyaarinayso Inay Ciidamo Keento Somaliland Iyo Somalia

“Cidda Beenta Caadaysatay Maaha Haatuf Ee Waa Mr Riyaale Iyo Nacamleyaashiisa”
Guddoomiyaha Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay beenisay War ku soo baxay cadadkii Wargeyska Haatuf ee 21/3/2008 oo Ciwaankiisu ahaa “Qaramada Midoobay Oo Isu-Diyaarinaysa Inay Ciidamo Militari Keento Somaliland iyo Somalia”.

Waxaana xafiiska Madaxweyne Daahir Riyaale warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanu meelna kaga qornayn warbixintii u dambeysay ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo diyaariyey arrimaha Somalia.
Xafiiska Madaxweynaha oo arrintan ka faalloonayaana waxa uu yidhi “Waxaase wax laga xishoodo ah wararka noocaasi oo kale ah oo aan xog iyo meel loo raaco toona lahayn inuu soo qoro ummaddana u bandhigo Wargeyska ka soo baxa Somaliland oo sheeganaya inuu yahay Wargeys Wadaniya”.

Xafiiska Mr Riyaale isagoo aad moodo inuu awelba u marmarsoonayey oo uu meel uu u soo maro la’aa cayda iyo aflagaadada Haatuf, waxa uu hadalkiisa u dhigay “Waxa aanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanay u dheg-taagin wararka noocaas oo kale ah oo ah beentii iyo hadradii looga bartay Wargeyska Haatuf. Wargeyskan-na waxaanu kula talinaynaa iyaga oo tixgelinaya Qaranimada Somaliland inay ka digtoonaadaan wararka dhaawacaya Qaranimada Ummadda reer Somaliland”.

Madaxtooyadu waxay ka hadashay oo ay beenisay war aan iyada laga soo xigan, balse uu Wargeysku kala soo baxay warbixin ballaadhan oo Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon uu Golaha Ammaanka u gudbiyey 14-kii March, 2008, taas oo ku saabsanayd xaaladaha ka jira dalka Somalia oo ay ku jirto Somaliland.

Wargeyska Haatuf isaga oo warbixintaas soo xiganaya waxa uu cadadkiisii Jimcihii dhoweyd ku soo daabacay warka uu Madaxweynuhu beeninaayo, iyada oo uu Wargeysku sheegay Laanta Jimciyada Quruumaha ka Dhexaysa u qaabilsan ciidamada nabad ilaalintu ay isu diyaarinayso inay ciidamo keento meelo ka mid ah Somaliland iyo Somalia, qorshahaas – waa sida ay QM u dhigtaye – oo qayb ka noqon doona istiraatijiyad cusub oo UN-ku doonayo inuu ku xasiliyo nabadna dib ugu soo dabaalo dalkii burburey ee la odhan jirey Jamhuuriyada Somaliyeed (Somali Republic).

Mr. Ban Ki-moon warbixintiisaas wuxuu ku sheegay in ku talo-galka qorshahan yahay in ciidan tiradiisu gaadhayso ilaa 27,000 (todoba iyo labaatan kun) oo ay weheliyaan 1,500 oo bileys ah la keeno dalka Somalia, iyada oo warbixintu ay carabawday meelo ay ka mid yihiin Muqdisho, Gaalkacayo, Boosaaso iyo Berbera oo ay ciidamadaasi xarumo iyo xafiisyo ku yeelan doonaan.

Waxay ahayd 28 February markii uu ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Mr Axmedou Wald Cabdallah, booqashada ku yimid magaalada Hargeysa, isagoo la kulmay Madaxweyne Riyaale iyo madaxda xisbiyada Mucaaridka ah.

Mr Cabdalla waxa uu masuuliyiintii reer Somaliland ee uu la kulmay u soo bandhigay qorshe loogu soo gurmanayo oo ciidamo lagu keenayo dalkii Somalia, isagoo talo ahaan soo jeedinaya in ciidamadaasi ay isticmaalaan Dekeda Berbera.

Warka ay Madaxtooyadu beeninayso qaybtiisa u dambeysa wargeyska Haatuf wuxu ku xusay in madaxdii axsaabta mucaaridku markii ay la kulmeen ergayga Q.Midoobay Mr Wald Cabdalla ay u sheegeen sida ay u diidan yihiin in Somaliland marin iyo saldhig midkood toona ay u noqoto ciidamo shisheeye, isla markaana aanay Somaliland ka mid ahayn Somalia.

Wargeysku waxa uu warkiisa ku gabagabeeyey “Ilaa hada lama ogga in Madaxweyne Riyaale uu wakiilka xoghayaha guud ka aqbalay inay ciidamo keenaan Somaliland iyo in kale”.

Inkastoo weedhan u dambeysay ay ahayd inta kaliya ee warka ay xukuumaddu beeninayso ka khusaynayay, hadana kamay jawaabine waxay ka hadashay oo ay beenisay qaybtii ay Q. Midoobay ka jawaabi laheyd.

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf cabdi Gabobe oo arrintan ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Cidda beenta caadaysatay maaha Haatuf’e waa Mr Riyaale iyo nacamleyaashiisa. Waa jaahilnimadooda haddii ay garan-waayeen meesha ay Somaliland kaga jirto qorshahan ay Q. Midoobay isugu diyaarinayso sidii ay ciidamo u keeni lahayd dalka ay Somalia u yaqaanaan. Inta uu Mr Riyaale kolba cay noo soo marinayo Af-hayeenkiisa waxa u ekayd inuu ka jawaabo oo uu ummadda u sheego halka uu isagu ka taaganyahay Qorshahan Q. Midoobay, waana arrin weli laga sugaayo inuu cadeeyo, haddii kale waxa loo macnaysan doonaa inuu qorshahan ogolyahay”.
 


  NASASHADA WARGEYSKA: Dalka Shiinaha Oo Ay Ku Habsatay Cabsi Laga Qabo Jooniska “B”

Hong Kong, dalka Shiinaha ayaa waxa aad looga baqdaa cudurka jooniska-B, kaas oo sida look ala qaado ay dadku fikrado khaldan ka qabaan.

Cudurkan waxa lagaga hortagaa Talaalka, waxaana jira dawooyin kantaroola in Virus-ka cudurka sida aanu ku faafin.

Cudurkan badanaa way yartahay wax ku kala qaada Taabashada, dadka qabaana si caadiya ayaa loola dhaqmaa, hadii dugsiga la joogo iyo hadii shaqo la joogaba.
Hase yeeshee dalka Shiinuhu sidaas wuu ka duwan yahay oo cidda cudurkaas Hepatitis qabta waa la takooraa. Tusaale ahaan haddii ilmaha caruurta ah laga helo dugsiyadu way diidaan, dadka waaweyna waxa ku adkaata inay shaqooyin helaan.

Cudurka Jooniska-B wuxuu ku badan yahay dalalka Asia iyo Africa, waxa tirada dadka uu hayo adduunka lagu qiyaasay 360 milyan oo 120 – 130 milyan ka mid ahi ay ku nool yihiin dalka Shiinaha, siyaabaha ugu badan ee cudurkan look ala qaado waxa ka mid ah hooyada qabta oo qaadsiisa ilmaheeda, galmada, dhiiga la isku shubo iyo irbad qof xanuunka qaba lagu muday oo hadana qof kale oon qabin lagu mudo.
 


  Dhalinyaro Dukaan Boobtay Oo Bileys Lugahooda Ku Doontay

Toronto, Laba dhalinyaro ah ayaa intay Dukaan boobeen wixii ay soo dhaceena la lugeeyey, dabeetana tilifoon u direy Shirkad Tagsiyada kireysa.

Dhalinyaradani waxay sahansadeen inay dhacaan dukaan qof kaliya ahi iibiyo, hadaba markii ay dukaankii galeen ayaa ninkii dukaanka iibinayay waxa uu tilifoon Mobile ah kula hadlayey gabadhiisa oo uu guriga kaga yimid.

Hadaba, sidii uu ninkeedu ula hadlayay gabadhii waxay markaliya maqashay buuq iyo sawaxan, waxaana taas ku xigtay tilifoonkii oo ka go’ay.
Gabadhii intay shakiday ayaa waxay la hadashay bileyskii, bileyskiina waxay la hadleen shariikad Tagaasida kireyeea, iyaga oo ka codsanaya in haddii ay dareemaan cid shakigeeda leh ay ogeysiiyaan.

Hadaba labadii dhalinyarada ahaa ee dukaanka boobay kamay sii tabaabushaysan inay diyaarsadaan gaadhigii ay ku baxsan lahaayeen ee waxay isla shirkadii bileysku la hadleen ka dalbadeen Tagsi kiro ah, iyadoo qofkii tilifoonka ka qabtay uu ka shakiyey sida uu u hiiraagayay qofka uu la hadlayay.

Labadii dhalinyarada ahaa intay meel yar oo ay ku gabanayeen ay ka soo baxeen ayaa waxay istaageen wadada qarkeedii, halkaasna waxa ugu yimid Tagsi ay laba nin oo bileys ah wateen, kuwaas oo dhalinyaradii ku yidhi iska soo fuula gaadhiga waa xidhan tihiine.

 


 Ururka Gaadiidleyda Iskaga Gooshta Somaliland Iyo Djihouti Oo Ku Baaqay In La Sii Daayo Dirawaliinta La Xidh-Xidhay

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) - Ururka Iskaashatada Gaadiidleyda Land Cruiserada ee ALMIS ayaa waxay xukuumada ka codsanayaan in si deg deg ah loo sii daayo dirawalada ku xidhan degmada Lughaya, Boorama iyo Hargeysa, kadib markii lagu eedeeyey inay gaadiidkay wateen ku daabuleen dad tahriibeyaal oo ka kireystay baabuurtii ay wateen, intii aanay gaadhin halkii ay u socdeena ciidamada Somaliland ay soo qabqabteen.

Waxaana diraladaa xidhan ka mid ah; Maxamed Xirsi Hawd, Maxamed Xasan Abiib,
Haddar Maxamuud Xuseen, Xuseen Cumar Muxumed, Cabdikariin Xasan Cabdi Yare, Xuseen Saleebaan Sugaal, Mustafe Cumar Taraydh, Axmed Dirir, Libaax Indho Buur, Maxamuud Caynaan.

Waxaanay qoraalka codsigaasi ay ku dalbanayaan iskaashatan in nimankaasi la sii daayo u qornaa sidan
“Waxaanu codsanaynaa in la soo daayo dirawaladan xidhan iyo gaadiidkoodaba tiiyoo aanu u aragno in lagu tacadiyay dadkaas.
Mar labaad waxaanu xukuumada ka codsanaynaa in ay wax ka qabato shakhsiyaadka ku tacadiyay dadkan ee xidh xidhay.
Magacyada Guddida
Koosaar Xasan Xirs(Gudoomiye)
Cabdi Qiyaas Cilmi(G/Ku Xigeen)
Bare Cali(Xubin)
Maxamuud Axmed Muxumed(Xubin)
Yaasiin Cige(Xubin)
Maxamed Cabdi Caydiid(Xubin)
Maxamed Ismaaciil Gano(Xubin)
Keyse Cabdi Dalab(Xubin)”


 Hargeysa: Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dhibaatada Qabyaalada

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Kulan dood cilmiyeed ah oo si balaadhan loo soo agaasimay ayaa habeen hore ka dhacay hoolka jaamacada (IHU). Dood cilmiyeedan oo uu isku soo duba riday ururka cilmi baadhista iyo taariikh ururinta Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano(SRC) ayaa waxa laga doodayay dhibaatooyinka ay qabyaaladu leedahay iyo sidii looga samato bixin lahaa dhalinyarada dalkeena.

Doodan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan ayaa ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka SRC Barkhad Muxumed Cumar(ladiif) oo ka waramay dhibaatada ay qabyaaladu leedahay iyo sida ururkoodu ugu heelan leeyahay la dagaalanka qabyaalada waxaana hadaladiisa ka mid ahaa(qabiilku waa koox bulsheed oo ka kooban jilibo iyo qoysas ka samaysmay jiilal kala dambeeyay iyo cidii ku abtirsata.qabyaaladuna waa dareen qolanimo iyo ka sadbursiga iyo dulmiga dadka intiisa kale,qabiilku ceeb maaha ee waa astaan la isku garto ee waxay xumaataa marka qabyaalad loo rogo si aad dadka uga sad bursatid).
Gudoomiyaha jaamacada geeska sheikh Almis yaxye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi( asalka bini aadam qabyaaladi kama dhamaato,maanta qabiilkan aduunka wareeriyay ee ingiriisku waxa uu ka soo farcamay reer yar oo jasiiradaa yar ee ingiriiska degenaa oo farcamay aduunkii oo dhana qabsaday. Sidoo kale francophone waxa uu ka soo farcamay qabiil yar oo faransiis ah,markaa aduunkoo dhami qabiilo ayuu ka kooban yahay,tusaale ahaan wadanka bruksel waxa ku wada nool todoba qabiil,sanad kasta qabiil baa Madaxweyne ah.markaa hadii si cadaalad ah ay qabiiladu u wada dhaqmaan wax dhibaato ah ma leh).
Maxamed yuusuf culimo oo ah Gudoomiyaha ururka dhalin yarada Somaliland ee (SONYO) ayaa isaguna ku dooday (afriki qabyaalada way ka siman tahay,mar aan yugaandha siminaar ku tagay waxa aan aad ula yaabay in marka aad qof is barataan uu ku odhanayo magacaygu waa hebel,waxaan ka soo jeedaa qabiil hebel,dawlada waxaanu ku leenahay laba wasiir iyo shan baarlaman ah.markaa qabyaaladu meel walba way taalaa ee waxaa wanaagsan in dhanka wanaagsan laga isticmaalo).

Ugu danbayntii Nasiim Maxamed Muuse ayaa dooda waxa ay ku soo gabagabaysay hadal kooban oo ay kaga warantay waxyaabaha u qorshaysan in uu ururkoodu qabto mustaqbalka waxayna tidhi( runtii aad baan ugu farax sanahay ka soo qayb galka aad doodan nagala soo qayb gasheen,waxaanan ilaahay ka rajaynayaa in aad nagala soo qayb gashaan doodaha aanu mustaqbalka qaban doono, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu dalkeenu gaadho barwaaqo iyo bash bash iyo waliba qabyaalada oo inaga tir tiranta oo aan jiilalka soo socdaa ku dhaqmin).

 


 Mudaneyaasha Wakiilada Oo Loo Qaybiyey Laba Xeer Oo Ajandahooda Aan Ku Jirin

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay codad aqlabiyad ah ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka nidaamka garsoorka caruurta oo ay golaha guurtidu dib ugu soo celiyeen, iyada oo fadhigaasna mudanayaasha loogu qaybiyey laba xeer oo madaxtooyadu dib ugu soo celisay golihii hore ee wakiilada sanadkii 2004, balse shirgudoonku sheegay in aan labadaas xeer xil-wareejinta ugu darin shirgudoonkii hore ee wakiiladu.

Fadhigan shalay oo uu gudoominayay gudoomiyaha goluhu Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ay ka soo xaadireen mudanayaal tiradoodu gaadhayso 46 mudane, ayaa waxa uu goluhu fadhigaasi qodob qodob ku ansixiyey qodobada ay golaha guurtidu wax ka bedelka kus oo samaysay, kaas oo goluhu cod aqlabiyad ah ku diiday wax ka bedelkaas guurtidu ku soo samaysay erey-bixinta xeerka garsoorka caruurta oo ay ku soo bedeshay magaca xeerkaasi mashruuca maamulka garsoorka caruurta iyo habsami u dhaqidooda, taas oo golaha wakiiladuna ku adkaystay sidii ay markii hore erey bixinta xeerkaasi ugu ansixiyeen oo ahayd xeerka nidaamka garsoorka, waxaana ogolaaday 33 mudane, halka ay soo jeedinta guurtida ogolaadeen 7 mudane, 5 mudanena ay ka aamuseen.

Intaa kadib, waxa uu gudoomiyuhu mudanayaasha u soo jeediyey inay cod u qaadaan wax ka bedelka ay ku sameeyeen xeerka nidaamka garsoorka, kadibna waxa uu goluhu cod aqlabiyada ku ogolaaday wax ka bedelka xeerka nidaamka garsoorka cod dhan 40 mudane, cid diiday ma jirin, 5 mudanena way ka aamuseen, halkaasi ayaanu ansax ku noqday wax ka bedelka xeerka nidaamka garsoorka ay ku sameeyeen wakiiladu.

Gabagabadii fadhigaasi ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey xeerka maal-gashiga shisheeyaha iyo xeerka maamulka saami-qaybsiga kharashka caafimaadka oo uu golihii hore ee wakiilada Madaxweyne Rayaale dib ugu soo celiyey, taas oo mudadii labada sanno iyo dheeraadka ahayd ee golahan wakiiladu shaqaynayay aan labadaasi xeer markaliya lagu soo hadal qaadin golahan cusub. Hase yeeshee gudoomiyaha wakiilada Md. C/raxmaan Cirro ayaa labadaas xeer golaha uga cudur-daartay in aan xil wareejintii shirgudoonkii hore ee wakiiladu ugu darin, balse gudoomiyuhu sharaxaad kama bixin qaabka ay labadan xeer ee golihii hore lagu soo celiyey ku heleen.
 


  Doorashooyinka Dawladdaha Hoose Iyo Madaxtooyada Iyo Tibaaxaha Isa Soo Taraya Oo Shaki Gelinaya Inay Waqtigooda Ku Qabsoomaan

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Doorashooyinka Dawladaha hoose iyo Madaxtooyada ee la filayo inay bisha August iyo December ka qabsoomaan Somaliland ayaa laga cabsi qabaa in aanay waqtigoodii ku dhicin, ka dib markii ay soo baxeen dareemo iyo tibaaxo muujinaya inay dhici karto in mar kale dib loo riixo.

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud SIilaanyo ayaa 17/03/2008, markii ugu horeysay ka dhawaajiyay inuu jiro qorshe la doonayo in doorashooyinka dib loogu dhigo, isaga oo markaasi ka hadlayay xaflad loo sameeyay dad lagu qiyaastay 700 oo qof oo ka mid ah isbedel doonka beelaha Habar Awal oo ku biirayay xisbiga KULMIYE.

“Waxa la wad-wadaa in doorashada dib loo dhigo, markaa miyaynu ogolaanaa” ayuu yidhi, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo, laakiin marna muu carabaabin cida wad-wada Gudoomiyuhu.

Isla habeenimadii waxa xilka iska casilay gudoomiyihii Guddida Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Yuusuf, ka dib markii sida la sheegay ay soo waajahday xaalad caafimaad oo aanu xilka ka sii wadin.

Guddida doorashooyinku waxa ay gudoomiye u doorteen Maxamed Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, shir jaraa’id oo shalay subaxdii ku qabteen xafiiskooda waxa ay ku sheegeen in Gudoomiyihii hore ee Komishanka oo beryahaaba xanuunsanayay ay ka ogolaadeen is-casilaadiisii, isla markaana mid kale doorteen.

Hase yeeshee, Gudoomiye ku xigeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka Mr. Xirsi oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha dareenka ay dadweynuhu ka qabaan in doorashadu waqtigii loo cayimay dib uga dhacdo, waxa uu yidhi. “Sidaad la socotaan ilaa waqtigan xaadirka ah ma jirto war Komishan ahaan naga soo baxay oo sheegaya in doorashadu dib u dhacayso, laakiin waa suurto gal, haddii ay timaadana waxa lagala tashan doonaa dhinacyada ay khusayso ee xisbiyada doorashada loo qabanayo”.

Hadalkan ayaa dad badan oo reer Somaliland ah ku abuuray dareen shaki leh oo ay ka qabaan in doorashadu waqtigeedii ku qabsoonto, waxaanay dad badan oo reer Somaliland ahi qabaan in doorashadu waqtigeedii ku qabsoomi weydo, inkasta oo ay weriyayaashu isku dayeen inay dib u sii weydiiyaan Komishanka su’aalahaasi haddana waxay ku gaabsadeen in marka waqtigeeda la gaadho ay ka jawaabi doonaan.
 


 Maxamed Ismaaciil Kabo-Weyne Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa, March 23, 2008 (Haatuf) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shalay Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabo-weyne) u doortay inuu ahaado gudoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland, kadib markuu jagadaasi iskaga casilay sababo caafimaad dartood gudoomiyihii hore ee komishanku Maxamed Yuusuf Axmed.

Sidaana waxa lagu sheegay shir-jaraa’id oo ay xubnaha komishanka doorashooyinku shalay ku qabteen xaruntooda Hargeysa.

Gudoomiyahan cusub ee komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabo-weyne) ayaa waxa jagadan kula tartamay Jaamac Sweden oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka, kaas oo sida la sheegay ahaa xubintii Madaxweynuhu uu la doonayay inuu jagadaasi buuxiyo, hase ahaatee lagaga guulaystay, kadib markii uu helay codkiisa iyo codka Ismaaciil Muuse, halka uu gudoomiyahan helay taageerada 4 cod oo kiisu ku jiro, kuwaas oo kala ahaa Xirsi X. Xasan, Maxamed Yuusuf, Siciid Looshade iyo codkiisa.
Gudoomiyahan cusub oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay qaabka doorashadiisa iyo sababta kaliftay doorashadiisan sida deg-dega ah u dhacday, waxaanu yidhi:

“Waxaanu Shirkan Sharaa’id idinku yeedhnay iyada oo uu Gudoomiyahayagii Komiishanka Maxamed Aw Yuusuf Maxamed uu isu casilay arrin Caafimaad Awgeed, waxa nala soo gudboonaatay inay daruuri tahay inaanu degdeg u samey Gudoomiye Cusub” ayuu yidhi Gudoomiyaha Cusub oo ka hadlayey Munaasibadii loogu doortay Gudoomiyaha.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Waxa ii farxad ah aniga oo ah Maxamed Ismaaciil in lay doortay Gudoomiyaha Cusub ee Komiishanka Doorashooyinka oo ay walaalahey si sharaf leh ii garteen Gudoomiyenimadaas”
Gudoomiyaha Cusub ee Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed waxa uu ka codsaday xubnaha gudida doorashooyinka inuu ku taageeraan hawshan ay u igmadeen, isla amarkaana waxa uu Ilaahay ka baryey inuu ku guuleeyo arrintan.

“Waxaan leeyahay hawshan wakhtigan aad iyo aadka u cidhiidhiga ah igu soo beegantayin Ilaahay ii fududeeyo oo ila garabgalo”.

ISMAACIIL oo ka mida todobada Xubnood ee Gudida Doorashooyinka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay Saaka xubnaha komiishanka doorashooyinku ay shireen, isla markaana ay isla garteen inuu Maxamed Ismaaciil Maxamed uu noqdo Gudoomiyaha Cucub ee Komiishanka doorashooyinka Somaliland.
“Saaka waxa halkan [Xarunta Komiishanka] ku shiray lixda xubnood ee komiishanka doorashooyinka, si buuxda oo mug leh waxay u taageereen inuu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Komiishanka doorashooyinka maanta laga bilaabo Maxamed Ismaaciil Maxamed”.

Mar uu Ismaaciil ka hadlayey Gudoomiyihii hore waxa uu yidhi “Waxaad la socoteen Gudoomiyahayagii hore Maxamed Aw Yuusuf Maxamed isaga oo hawlo waaweyn oo baxaad leh ka soo qabtay Komiishanka in Xanuun la soo gudboonaayday, sida xaqiiqada ahba in muddo ahba uu hayey xanuunkaasi, anaga [Komiishanka] ayaa ku khasbi jirnay mar-walba inuu hawshaa siihayo, iyada oo ay tahay shaqadu [komiishanka] shaqo xasaasiya”.

“Mar Walba iyada oo ay dhibaato in hortaagnayd waxaanu ku odhan jirnay bal aynu tan ka baxnee u kaadi imika ha ka taginee, xanuunkii waxa uu gaadhay meel aanu sii shaqeyn karayn waxanu is nidhi odaygu intaanu meel halis ah idinku gaadhin bal iska fasaxa oo iska sii daaya”.

Ismaaciil waxa uu ku sababeeyay is casilaadii Guddoomiyihii hore ee Komishanka arrin caafimaad, isaga oo arrintas ka hadlayana waxa uu yidhi “ Is casilaada uu Maxamed ka dagay Guddoomiyaha Komishanka waa arrin la xidhiidha caafimaadkiisa, jaraa’idka qaarkood waxyaabo badan oo aan run ahayn ayay arrintaas ka qoreen, wax culays ah oo dhinacna kaga yimid ma jiro , waalaa xisbiyadda mucaaridka walaa xaga dawladda, walaa xaga komishanka, iyo dhinaca shacabkaba”.

Guddoomiyihii hore ee komishanka Somaliland Maxamed aw Yuusuf Maxamed oo ka hadlay sababta uu isku casilay waxa uu yidhi “ Arrinta aan istiqaaladda u gudbiyay waxa weeye arrin caafimaad, ma aha culays meel kale igaga yimid, sidaas ay saxibaday u sheegeena waanu isku wadda raacsanahay, waanan la shaqaynayaa Guddoomiyaha cusub Maxamed Ismaaciil”.

Guddoomiyihii hore isaga oo hadalkiisa sii wadda waxa uu sheegay in ay ku garab taagan yihiin Guddoomiyaha cusub ee komishanka hawsha loo igmaday oo ay la shaqeynayaan.

“Aniga waxa laga yaaba muddo saddex toddobaad ah ilaa laba toddobaad ah in aan arrin caafimaad dibedda ugu baxo, anagaana sidaas isla qaadanay, waayo qof dhakhtar u baxaya wakhtigu soo noqonayo illaahay baa xog, wakhti xasaasi ahna waa lagu jiraa,” ayuu yidhi maxamed aw Yuusuf.
Mar uu Maxamed aw-yuusuf kaga hadlayay xilka Guddoomiyaha cusub ee komishanka waxa uu yidhi, Guddoonka ayuunbu meesha u jooga qof waliba hawshiisa halkiisa ayuu ka sii waddaya, waxanu illaahay ka rajaynaynaa in uu hawsha noo fududeeyo, saxaafaddana waxanu ka codsanayna in ay sidaas kula socoto.

Top