Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Mar Labaad Ku Celiyay Inaanay
Aqoonsaneyn Madaxweyne Daahir Riyaale Marka La Gaadho 15 May 2008
12 Ka Mid Salaadiinta Somaliland Oo Ku Baaqay Inay Dhexdhexaadin Ka
Gelayaan Muranka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira
BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Teknikada Iyo Ciidamada Xaafadaha La Soo Dhoobay
Xadhigga Masuuliyiinta KULMIYE Iyo Baadi-Goobka Qaar Ka Mid Hoggaankiisu
Hordhac Ma U Noqon Karaa Weerar Xukuumaddu Ku Soo Qabato Axmed
Siillaanyo?
“[Riyaale] Ninka Baarlamaankiisii Qarxiyay Way Ka Suurowdaaye Halaga
Gaadho Intaanu Qarxin Madaxtooyada”
Dr. Cumar Cilmi Dixood
Gudoomiyaha KULMIYE Ee Gobolka
Hargeysa Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Baadi-Goobka Masuuliyiin Sar-Sare Oo
Mucaaridka Ah
Dareenka Dadka Reer Togdheer Ka Bixiyeen Muddo Kordhinta
Madaxweyne Riyaale
Xukuumadda Oo Dhaqdhaqaajinaysa Koox Salaadiin Ah Si Ay
Taageero Ugu Helaan Muddo-Kordhinta Madaxweyne Riyaale Ee Guurtidu U
Samaysay
Ciidanka Amniga Boorama Oo Dib U Soo Qabtay Maxbuus
Baxsaday Oo Lagu Tuhunsan Yahay Ka Qaybqaadashada Dilkii Askari Ka
Tirsanaa Ciidanka Bileyska
“Haddaan La Doonayn In Ummadda Maantana La Qaxiyo Halaga
Daayo Durbaanka Colaadeed Ee Loo Tumayo”
Wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan-Weyne
“Shaqadaydu Waxay Ahayd Baadhe, Faylal Badan-Na Waan Hayaa Oo Buug Ayaan
Ka Qorayaa, Maxamed Kaahin-Na Go’ Shaal Ah Ayuu Burco Ku Dhexmaraa”
Wasiirka Daakhiliga, Cabdillaahi Cirro
“Cabdillaahi Cirro Xaaladii Uu Berigii Hore Ku Jiray Uun Buu Imikana Ku
Sugan Yahay”
Mujaahid Maxamuud Dhool-dahableh
Xildhibaan Cali Mareexaan Oo La Kulmay MP George Galloway
“Heshiiska Komishanka Iyo Sadexda Xisbi Waa Qayrul Distoori, Kumana Sii
Adkaysan Karo Jaangooyada Sharci Darada Ah”
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Guurtida
Qarax Mar Kale Xalay Ka Dhacay Xaafadda Shacabka Ee Magaalada Hargeysa
“Waxaanu Cambaareynaynaa Xadhiga Qayrul Sharciga Ah Ee Gudoomiyaha
KULMIYE Ee Gobolka Hargeysa”
Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Dalka Oo Xaaladda Dalka Ku
Tilmaamay Mid Xasaasiya
|
|
Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Mar Labaad Ku Celiyay Inaanay
Aqoonsaneyn Madaxweyne Daahir Riyaale Marka La Gaadho 15 May 2008 |
Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Mar Labaad Ku Celiyay Inaanay
Aqoonsaneyn Madaxweyne Daahir Riyaale Marka La Gaadho 15 May 2008
“Raggani Maaha Ragii Isku Qarxin Jiray Meel Yar Oo Daahir Rayaale Ama C/Laahi
Dheere Galo, Ee Waa Ragii Birjeex Iyo Mandheera Isku Qarxin Jiray” Muj.
Maxamed Kaahin Hargeysa, Apri14, 2008 (Haatuf) -
Xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa mar labaad ku celiyay
mawqifkoodii ahaa inaanay Madaxweyne u aqoonsan doonin Daahir Riyaale
marka la gaadho 15 May 2008 oo ah muddada uu xilku kaga egyahay
Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisa.
Waxa kale oo ay labada xisbul mucaarid ku eedeeyeen golaha Guurtida
inaanay sharci u lahayn inay muddeeyaan xilliga doorashooyinka la
qabanayo isla markaana waxa ay sheegeen in cidda keliya ee sharciga
awooda u siiyay inay cayinto muddada ay tahay komishanka doorashooyinka.
Waxa kale oo ay labada xisbi mucaarad sheegeen inay 27ka bishan isugu
yeedheen labada gole dhexe ee labada xisbi si ay uga tashadaan
xaaladahan, sidaana waxay ku sheegeen shir jaraa’id o shalay ay labada
xisbi mucaarid wada jir ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE kaas oo ay
ka soo qayb galeen madaxda sare ee labada xisbi iyo taageerayaal, iyo
mari sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa shirkaas jaraa’id laga akhriyay war-saxaafadeed qoraal
ah oo ay ku saxeexan yihiin labada gudoomiye ee UCID, Faysal Cali
Waraabe iyo KULMIYE, Axmed Maxamed Siillaanyo, kaas oo u dhignaa sidan:
“Labada xisbi UCID IYO KULMIYE maanta oo ay taariikhdu tahya 13/04/08
waxay shirkoodan jara’id kaga hadlayaan duruufaha wakhtigan aynu joogno
lasoo gudboonaaday dalka ee distooriga ah.
Waxaynu la wada soconaa in uu dhamaanayo wakhtigii muddo xileed ee
madaxtooyada ee distooriga ahayd oo ku began 15/05/08 iyada oo taa laga
duulaayona waxay hogaanka sare ee labada xisbi UCID IYO KULMIYE, iyaga
oo horena u cadeeyay mawqifka ay ka taagan yihiin xaaladan la soo
daristay dalka, ay mar labaad iyo sadexaadba ku celinayaan go’aanka
labada xisbina yahay in marka la gaaddho 15/05/08 sii fadhiga Madaxweyne
Riyaale aanu wax sharciyad ah haysanin, mudadiisuna ay ku eegtahay
muddadaa kor ku xusan
Waxa kale oo ay labada xisbi si cad u qeexayaan in aan go’aanka ka soo
baxay Golaha Guurtida ee korodhsiimada madaxtooyada ahayn mid waafaqsan
dustuurka dalka u yaal ,qoodbka 83aad faqradiisa 5aadna aanay ahayn mid
hada dhaqan gal ah gafna ku tahay adeegsiga hadda ay guurtidu
daliishatay madaama aanay hadda jirin wax nabadgalyo darro ahi
Sidaasi daraadeed waxay labada xisbi UCID IYO KULMIYE ay shirkan
jaraa’id ku cadaynayaan qodobadan soo socda:
1. in aanay Golaha Guurtidu awood sharci ulahayn ,in ay mudeeyaan xiliga
doorashooyinka cidda kaliya ee awood sharci u lihina ay tahay Gudida
Doorashooyinka Qaranka.
2. Waxa kale oo aan dhaqan gal ahayn wakhtigan qodobka 83aad farqadiisa
5aad oo ay si gef ah ugu daliishadeen guurtidu mudo kordhinta
madaxtooyada
3. Waxa kale oo ay ummaddu ogtahay in aanu madaxweyne Riyaale oo hadda
ay u kordhisay guurtidu mudo xileedka aanu ahayn madaxweyne ku yimi shir
beeleed balse uu yahay mid ku yimi doorasho toos ah.
4. Waxa kale oo aan xaq ahayn in masiirka qaranka soomaliland ay
go’aamin karaan 25 oday oo gudi ahaan si gaara ay u soo xuleen Golaha
Guurtidu oo aan gudo iyo debad toona waxba kala socon xalada dalku
marayo kuwaas oo ka doorbiday dantooda gaarka ah danta guud.
Haddaba labada xisbi ee UCID IYO KULMIYE waxay ummadda u cadaynayaan
inay ilaalinayaan shuruucda wadanka u taala iyagoo ummadda u sheegaya
go’aamadooda iyo mawaaqiftooda ay arintan ka taagan yihiin waana kuwan
hoos ku xusan
1. Anaga oo tixgalinayna duruufaha hadda la gu jiro waxaanu dhawraynaa
heshiiskii sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka iyo
deeqbixiyayaashuba ay isla qaaateen ee ahaa wakhtiga diiwaangalinta iyo
doorashooyinku ku dhamaystirmayaan.
2. In doorashad hore ee mudaysan 06/10/08 ay noqoto doorashada
madaxtooyada maadaama ay tahay ta ahmiyada weyn u leh ummadda reer
soomalailand iyo bahweynta caalamka ee danaysa arimaha soomaaliland.
3. Waxa kale oo aanu leenahay maadaama sharciyan iyo distooriyan ay
15/05/08 ku eegtahay muddo xileedkii distuuriga aha ee Madaxweyne Daahir
Riyaale iyo xukumadiisa in ay sadexda xisbi qaran ka wada tashadaan
xukumaddii gaadhsiin lahayd dalka doorashooyinka soo socda maadaama ay
ku guul darraysatay xukumada hada xilkeedu sii dhamaanayo inay diyaariso
doorashooyinka.
4. Waxa kale oo aanu ogaysiinaynana isuguna yeedhaynaa labad Gole Dhexe
ee labada xisbi UCID IYO KULMIYE iyo gudiyadooda fulinta in ay shir deg
deg ah isugu yimaadaan 27/04/08 si looga wada tashado xaalladan dalku
galay.
5. Waxanuna umadda reer Somaliland ugu baaqayna in ay ilaashadan nabad
galyadooda qaranimo iyo xuquuqdooda asaasiga ahba cidii wax u dhimaysana
ay meel uga soo wada jeestan.
6. Waxanu canbaraynaynaa xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay xubno ka
tirsan xisbiga kulmiye waxaanuna kula talinaynaa xukumada in ay si deg
deg ah ugu soo celiso xoriyadooda, waxaanu uga digayna xukumada in ay ka
waantoodo kicinta iyo abaabulka ay kula dhexjirto shacabka, iyadoo dusha
u ridan doonta wixii dhibatooyina ee ka dhasha falalka noocasiya.”
Intaa kadib, waxay weriyeyaashii shirka jaraa’id ka qayb-galay su’aalo
ku boobeen masuuliyiinta labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, su’aalahaas
iyo jawaabihii laga bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:
S: Hadii Guurtida iyo madaxweynuhu ay ka noqon waayaan go’aankooda muddo
kordhinta diyaar ma u tihiin in aad doorashada qaadacdaan?
J: Faysal: Mar hadii aanu qaadacnay go’aankaa ay guurtidu soo saartay ee
qayrul sharciga ah,uma muuqato in aanu doorasho ka qayb galno.ka q ayb
gali mayno doorashee isagu kaligii ha haysto.waanay dhimanaysaa ee
ogoow,waa la sadqeeyay nidaamkii dimuqraadiyada ee ay isku bedeli jireen
dawladuhu,markaa waanu ka tashanaynaa waanagaa 27 bisha u yeedhnay
labada gole dhexe, dee habkii looga wareegi lahaa ee looga soo dhicin
lahaa xukunkan ayaa laga fikirayaa.laakiin doorasho ku fadhida
go’aankaas oo aanu ka qayb galaynaa ma jirto.
Siilaanyo :horta su’aashu waa su’aal si u yara qalafsan,horta doorashadu
wakhtigaasay dhacaysaa.hadii isagu aanu ka q ayb galayn isagay jirtaa
anaguse doorashada waanu ka qayb galaynaa.wakhtigii hay’adii ku shuqul
lahayd ee qaranku isku raacay.ee loo qoondeeyay cidii ku shuqul lahayd
anagu wakhtigaasaanu doorashada galaynaa.doorashadu wakhtigay
dhacaysaana waa taa ( ta komishanku diyaariyey) duruufo kaloo yimaadaa
mooyee.
S: Maadaama oo dhibaato kasta oo siyaasadeed oo dalka ka dhacda uu sal u
yahay muranka qodobada dastuurka, maxaa idiinka meel yaal dastuurkan
khilaafaadku mar kasta ka imaniyaan?
J: Siilaanyo:mar walba anagu waxaanu taagnayn distoorkeena meelo badan
oo khilaaf ku jiro oo aan cadayn baa ku jira sida tan maanta aynu isku
hayno ee madaxweynihii baa xilku ka dhamaaday ah,waxa dastuurkeena ku
jira qodob asaasi ah oo odhanaya arimaheena waa in aynu wada tashi iyo
is afgarad ku dhamaynaa, wax badan baana dadkan iyo dalkani kaga soo
gudbay,marka xaalad adagi inagu timaado oo aanu ina jidayn karayn
dastuurku,jawaabtu waa sidaa faysal yidhi oo waa ha la isu
yimaado.shantii sano ee madaxweynaha loo doortay way dhamaatay,waa taa
nacasaysay guurtidii ee is tidhi si aad ugu qiil samaysaan Guurtida
waxaad tidhaahdaan dalku wuxu ku jiraa dagaal iyo hoog iyo balan ba,waxa
qudha ee aynu ilaahay ka baryaynay ee aynu ka cararaynay ayuu ahaa sidaa
daraadeed wakhtigu maalintuu dhamaado waxaanu ka ogolnahay talo wax
dhisaysa in la isu yimaado laga wada hadlo wax macquul oo dalka bad
baadiya.
Faysal :dastuurkeenu waa qabyo.waxa nooga meel yaala markuu kursiga
fadhiisto madaxweyne dalka danaynaya oo aragti umadeed leh waa hawl inoo
taala in aynu dib u eegid ku samayno dastuurkeena A-Z qodob kastaa
baadhno ma ina anfacaa ma badalnaa ma kordhinaa,waa wax inoo
yaala.maantase maadaama uu sidaa qabyo u yahay waxa weeye in wixii aynu
garan wayno wada tashi ku dhamayno.
S: Dastuurka Jsl waxa uu xaq idiin siinayaa in aad taageerayaashiina
isugu yeedhi kartaan mudaharaad silmi ah,marna kumaydaan baaqin arintaa
laakiinse maanta taageerayashiina ma ugu baaqaysaan in ay goboladoo dhan
ka yimaadaan oo isugu yimaadaan madaxtooyada horteeda si ay xukuumada
daahir rayaale cadaadis ugu saaraan in ay ka noqoto go’aankan khaldan ee
uu daahir rayaale qaatay?/
J: Maxamed Kaahin: qoraalka waxa ku qoran in todoba iyo labaatanka
bishan labada xisbi waxa ay isugu yeedhayaan hay’adihii hogaaminta ee
labada xisbi,golihii dhexe iyo gudiyadii fulinta iyo wixii wax garad ah
ee xisbiyada kala qayb galayaba,halkaasay kaga tashanayaan talaabada
kale ee la qaadayo.
S: Waad hadasheen mawqifkiiniina waad cadayseen,xukuumada iyo guurtiduna
mawqifkeedii way cadeeyeen,salaadiintii baa shiraysa oo taageeraysa
go’aankii Guurtida,ciidamadii baa la dhaq dhaqaajinayaa oo ilaa xalay
ciidamaa magaalada ku jiray,maxaa idinka intan idiinka dambeeya ee aad
samaynaysaan sida muuqatana hadal waa la isla soo dhaafay?
J: Faysal: Waxa weeye qof waliba xaq buu u leeyahay in uu fikirkiisa
dhiibto,salaadiintuna xaq bay u leeyihiin in ay fikirkooda dhiibtaan.
Anagu imika waxba ka sii hor dhici mayno.
S: Gudoomiye Faysal dad badan baa kuu riyaaqsan inaad la midawday
xisbigii kale ee dhigaaga ahaa ee kulmiye, waxaanay dad badani qabaan in
aad imika uun u digo rogatay mucaarad maxaa arrintaa ka jira?
J: Faysal: Maya, waxa weeye horta siyaasadu meel ma fadhiisato inan yar
baad tahaye, siyaasadu meel ma fadhiisato ee waa interest.saddexda xisbi
kolba kii qodob muhiim ah keena ayaanu ku raacnaa, horta kulmiye waxaanu
ku kala tagnay komishankii oo aanu u arkaynay maadaama aanu xeer jirin
in todoba qof la magacaabo, kana UDUB waxaanu ku kala tagnay waxay
diiday time laynkii la soo sameeyay, markaa hadii beri ay caqli fiican
la timaado waanu raaci, kolba kii caqli fiican keena ayaanu raacnaa.
S: Maanta waxaad kuwada fadhidaan labadiinii gudoomiye waxaanay u
muuqataa in aad khaati ka taagan tihiin qaabka ay xukuumadu u dhaqmayso.
Ma ku talo jirtaan in aad sidii axsaabtii Pakistan aad u midowdaan?
J: Faysal: Maxaa horta lagu midoobaa doorashadiiba waa la laalaye, inagu
sida Pakistan ma nihin ee saddex qof baa tartamaya, baarlamankan aanu
islahayn wax bay garanayaan bay ahayd intay isku buuqayaan in ay
bedelaan oo sameeyaan in saddexda xisbi markay tartamaan knock out ha
timaado labada ugu vote ka badani markay tartamaan labada u vote ka
badani mar labaad ha ordeen, baarlamankiina waxba muu samayn.markaa
hadda distoorkeenu ma ogola in ay laba xisbi midoobaan.
Siilaanyo: Daahir Rayaale musharaf maaha in aanu isu kaashano uma
baahnin midkaayaba goonidiisuu uga adag yahay
12 Ka
Mid Salaadiinta Somaliland Oo Ku Baaqay Inay Dhexdhexaadin Ka
Gelayaan Muranka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – 12 ka mid ah salaadiinta gobolka
Hargeysa, ayaa shalay a daboolka ka qaaday inay bilaabayaan talaabo ay
iskugu soo dhaweynayaan Xisbiyada, golayaasha iyo dawlada, taas oo ay
doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan waxana ay ku baaqeen in la ilaaliyo
nabadgelyada dalka.
Salaadiintan oo shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Imperial ee magaalada
Hargeysa, waxay shacbiga ugu baaqeen in ay ilaashadaan nabad-gelyadooda.
Suldaan Aadan Faarax, oo ka mid ahaa salaadiintaasi oo shirka ka hadlay
ayaa waxa uu yidhi “Nabad gelyada cid walba xil baa ka saaran, dawlada
Somaliland xil baa ka saaran, golayaasha sharci dejinta xil baa ka
saaran. Xisbiyada xil baa ka saaran, komishinka iyo shacbi weynaha reer
Somaliland nin kastaaba darajaduu doono ha lahaadee xil baa ka saaran,
waa in nabad gelyadeena aynu ilaashanaa wixii kale oo dhami way iska
dhamaanayaan, oo waa laga bixi doonaa.”
Suldaan Aadan Faarax, waxa uu soo jeediyay in wax laga qabto oo la
jabiyo qiimaha ascaarta daruuriga ah oo qaaliyobay, waxana uu yidhi:
“Dadku badankiisu ma shaqeeyo, ka shqeeyaana wax yar oo aan isaga
naftiisa iyo carruurtiisa ku filayn ayuu qaataa. Sidaas darteed,
tijaarta iyo ganacsatada wax soo dejiyaa waa inay dadka u naxariistaan,
oo ay hoos u dhigaan qiimaha meceeshada daruuriga ah ee ay cirka ku
shareereen.”
Suldaan Axmed-Nuur Samaale, oo shirkaasi ka hadlay ayaa ka waramay
muhiimada ay leedahay nabad gelyadu, waxaanu yidhi “Waxaan leenahay waar
wax walba ha laga horeysiiyo ilaalinta nabad gelyada dalka.”
Suldaan Maxamuud Xandulle, ayaa sheegay inay kulamo la yeelan doonaan
xisbiyada, komishinka iyo dawladda, si ay isugu soo dhaweeyaan
mowqifyada kala durugsan , waxaana uu yidhi “Nabad gelyada dalka waxa ka
jirta xasaasiyad, haddii aanu salaadiinta nahay, waxaanu go’aansanay in
aanu la kulano Komishinka, Xisbiyada iyo Guurtida ka dibna markaanu
macluumaadkooda helno aanu ka hadalno arrinta dalka ka taagan.”
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo shirkaasi soo agaasimay, ayaa waxa uu
sheegay in aanay u dul qaadan doonin cidii nabad gelyada dalka wax u
dhimaysa, waxaana uu yidhi “Somaliland maanta waxa lagu majeeranayaa waa
nabad gelyo, oo aynu kaga duwan nahay Soomaaliya, ninka nabadgelyada
khal khalinaya ee doonaya inuu Somaliland wax yeelo dhex ka noqon mayno
ee waanu qabanaynaa runtana waanu u sheegaynaa. Cidda nabad gelyo darro
wada waanu qabanaynaa ayaan leeyahay.”
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, waxa uu sheegay in salaadiinta ay uga
dartay dimuqraadiyadu, waxana uu yidhi “Anaga salaadiin ahaan
dimuqraadiyadu way nooga dartay, nin walibana degmadiisa ayuu xukumi
lahaa oo uu boqor ka noqon lahaa, oo cidi iiguma timaadeen Cadaadlay iyo
sabo-wanaag, waxaan leeyahay xisbiyada, komishinka waxaan leeyahay waar
nabad gelyada ilaaliya.”
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, waxa uu ku tilmaamay inay kulamo la
yeelan doonaan dhinacyada Komishinka, Xisbiyada iyo Xukuumada, isla
markaana ay wixii uga soo baxa ay dadweynaha u soo bandhigi doonaan.
Sidoo kale, waxa shirkaasi goob joog ka ahaa Suldaan Naasir Suldaan Cabdi
Ismaaciil, Suldaan Iid Cabdilaahi Xirsi, Suldaan Daahir Suldaan Aamin,
Boqor Cali Xuseen Kaahin, Boqor Axmed Iimaan Warsame, Suldaan Jaamac
Cismaan iyo Suldaan Ismaaciil Cali.
BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Teknikada Iyo Ciidamada Xaafadaha La Soo Dhoobay |
Hawlaha Cadaadinta iyo Cabudhinta xuquuqda muwaadiniinta Xukuumadda
Riyaale waxay in muddo ahba u adeegsanaysay nin la yidhaahdo Dubad
Saqadhi oo ah Taliyaha Bileyska Somaliland, kaas oo inta uu
bileysnimadii iyo ku-dhaqankii sharciga meel iskaga tiiriyey u hagar
baxay inuu Riyaale dadka u soo qabqabto.
Haddaba habeenadan dhaweyd waxa magaalada Hargeysa lagu soo daadiyey
ciidamo tuute xidhan oo la sheegay in qaar badan oo ka mid ah laga
keenay gobolka Awdal iyo waliba gaadiid tekniko ah oo kii ciidanka
Qaranka ah oo iyagana xaafadaha qaarkood la dhigay.
Waxa kale oo shalay magaalada Burco soo gaadhay ciidamo la sheegay inay
ka mid ahaayeen kuwii jiida Laas-caanood oo wata gaadiid tekniko ah oo
labaataneeye lagu qiyaasay oo la sheegay inay dhinaca Hargeysa xalayba u
soo baxeen.
Dabcan ma jirin nabadgeyo-darro ka jirtay magaalada Hargeysa oo kelifta
in xaafadaha iyo waddooyinka ciidamo la soo dhoobo oo dadweynaha-na
hawlihii ay qabsan lahaayeen laga carqaladeeyo iyada oo ay awalba la
ciirciirayeen busaaradii, shaqo la’aantii, dhaqaale xumadii iyo daryeel
la’aantii caafimaad iyo waxbarasho ee haysatay.
Shaki kuma jiro in ujeedada ka dambaysa ciidamadan iyo teknikadan
habeenkii la soo geliyo caasimaddu aanay ahayn mid la xidhiidha
qaraxyadii aan cidna wax ku noqonin ee magaaladan dhawaan ka dhacay.
Waayo, dawladdu gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Bileysku bari
hore ayay soo qaban lahaayeen oo sharciga horkeeni lahaayeen ciddii
qaraxyadaasi ku lug lahayd oo dhan haddii ay daacad arrintan ka ahaan
lahayd, balse kumay meeraysateen inanka yar ee Qulka la yidhaahdo oo
markasta oo qarax dhaco ay soo xidhaan, haatanna wasiirka Daakhiliga ugu
xidhan xarunta CID-da. (Qulka oo xilligii halgankii SNM ahaa mujaahid
da’yar waxa markii u horeysay qaraxyo loo xidhay sannadkii 1998
xilligaas oo uu wasiirka Arrimaha Guduhu ahaa Axmed Jaambiir, Taliyaha
CID0na ahaa Axmed Aw Cali Shabeel, waxaana la sii daayey markii dambi
lagu waayey. Haddana Qulka waxa la soo xidhay April 2007 iyada oo lagu
tuhunsan yahay qaraxyadii bishaasi Hargeysa ka dhacay, waxaana la sii
daayay markii isaga oo xidhan ay haddana qaraxyo kale dhaceen).
Haddaba saw maaha in la isweydiiyo sababta dhabta ah ee Daahir Riyaale
iyo Saraakiishiisa amnigu ay ugu badheedhayaan mashaqada intaas le’eg ee
ay ku soo dhaqaajinayaan ciidamada nooca aynu kor ku soo sheegnay ah ee
la isaga keenayo bari iyo galbeedba ee Hargeysa lagu soo ururinayo?
Su’aashan jawaabteedu kuma adkaanayso dadweynaha deggan Hargeysa iyo
magaalooyinka kale ee Somaliland, waayo tan oo kale hore ayey u soo arki
jireen xilligii Siyaad Barre uu dalka xukumi jiray ee Riyaale-na ka mid
ahaa saraakiishii NSS-ta ee rajiimkaasi ka hoos shaqeyn jirtay.
Haddaba Riyaale iyo inta la shaqaysa oo marka dhinac laga eego ay hadda
ka maqan yihiin uun Siyaad Barre iyo Ina Saleebaan Dafle, waxay weli
hayaan dariiqii hore ee macalinkoodii jarka ka ridday.
Sidii xilligii Siyaad Barre, dawladda Riyaale waxay ka cabsoonaysaa
shacbigeedii. Riyaale iyo Wasiiradiisu waxay ogyihiin dambiyada foosha
xun ee ay ka galeen dadkooda iyo dalkooda. Waxay ogyihiin inay dadkooda
bideen 5 sanno oo cadaalad-darro, horumar la’aan, musuq-maasuq iyo
sharci-jebin ah oo waliba labadii sannadood ee u dambeeyeyna ay u
dheerayd niyad-jab joogto ah oo kaga imanayey tallaabooyin sumcad dil ku
ah dalka oo uu Riyaale ku dhaqaaqay sida xadhigii Suxufiyiinta iyo
Siyaasiyiinta, taas oo naxdin ku ridday beeshii Caalamka ee ay
Somaliland aqoonsiga ka rajeynaysay.
Xukuumaddu inay xuntahay waxa aan lagu garan waayin dadkeeda ayey la
colowdaa oo ay aamini weydaa, dabadeedtana waxay xukuumaddaasi
miciinsataa ciidan ay isku wareejiso iyo dad ay xidh-xidho, waana sida
uu hadda u dhaqmo maamulka Riyaale.
Dayaca iyo waxqabad la’aanta ay dadka bideen ka sakow, Riyaale iyo
kooxdiisa waxa intaas u dheer oo cabsida ugu sii badan ku ridaya
aanooyin hore oo laga tirsanaayo wakhtiyadii ay u shaqeyn jireen
hay’adihii cadaadiska ee Taliskii Siyaad Barre.
Haddaba inkastoo ay jiraan waxyaabo badan oo ay taliska Riyaale iyo kii
Siyaad Barre iska shabahaan sida in cimri-dherer laga dhigto ciidamada
oo loo adeegsado cabudhinta dadweynaha, haddana waxa labada duruufood ay
ku kala duwan yihiin iyada oo aanu Daahir Riyaale haysan ciidan uu ku
isticmaali karo dadka. Haddii uu iska daayo inuu ciidamada dadka ku soo
weeraro-na, waxa hubaal ah inuu waayi doono cid amarkiisa qaadata, kuwa
hadda ku xeeran ee libaaxyada iskaga dhigayaana ay noqon doonaan kuwa
ugu horeeya ee meesha kaga carara.
Xadhigga Masuuliyiinta KULMIYE Iyo Baadi-Goobka Qaar Ka Mid Hoggaankiisu
Hordhac Ma U Noqon Karaa Weerar Xukuumaddu Ku Soo Qabato Axmed
Siillaanyo? |
Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf Ee Awdal
Tan iyo markii uu bilaabmay ololaha ama hadal-haynta doorashooyin ka
dhaca Somaliland, oo beddeli kara nidaamka haatan haysta dalka ayaa
waxaan ka hadlayey in qaabka uu dhaqmayo xisbiga Kulmiye iyo waxay
dawladda Riyaale ku talo gashay ay yihiin kaaf iyo kala dheeri.
Waa tan koowaade axsaabta mucaaradka ah, gaar ahaanna xisbiga KULMIYE oo
shacbiga ka haysta taageero weyn, ayaa indhawaaleba iska aqbalayey uun
talooyinka dawladda, guddiga doorashooyinka, golaha guurtida, iyo
xisbul-xaakimka UDUB, iyo aqbalaadaasi hoggaanka xisbiga KULMIYE u
arkayey nabadgelyo jacayl, iyo inaan laguu qabsan qalalaase siyaasadeed
oo ka dhaca dalka, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddu ku talo gashay inay
xoog iyo xeerba ku meelmarsato ujeeddooyinkeeda ah muddo-kordhin, ku
shubasho haddii ay doorashooyin dhacaan, iyo xakamaynta axsaabta
mucaaradka lana geliyo cagta hoosteeda si loogu sanduleeyo oggolaanshaha
wax kasta oo xukuumaddu kaga talojirto arrimaha siyaasadda.
Waxay tani keentay in shan casho markii la qarxiyey xarunta Golaha
guurtida, isla markaana Rayaale iyo xukuumaddiisa loo sameeyey
muddo-kordhin sannad ah, doorashooyinkiina dib loo dhigay haatan
xukuumaddu hubsatay inaan cidina ku qabsan karin wax kasta oo ay samayso
isla markaana aanu jirin shicib ka hor iman kara ama ku ciqaabi kara
waxyaalaha xukuumaddu samaynayso.
Shantaa maalmood ama ka yarba markii ay dhaceen arrimahaasi xukuumadda
danta u ah, waxay haatan ku dhaqaaqday sidii ay u ugaadhsan lahayd
hoggaanka axsaabta mucaaradka ah, gaar ahaan xisbiga Kulmiye. Waxa durba
la sheegeyaa in xabsiga la dhigay guddoomiyihii xisbigaasi ee Gobolka
Hargeysa Muj. Xamarji, kuwa kalena loo jaray waaranno lagu soo
xidhxidhayo.
Maaha wax lala yaabo bilowga xadhigga hoggaamiyayaasha xisbigaasi ee
heer gobol iyo heer Qaranba, sababtoo ah waxay beryahanba xukuumaddu u
xadhko xidhanaysay sidii ay ugu dhaqaaqi lahaud hawlgallo lagu joojinayo
dhaqdhaqaaq kasta oo ay samayn karaan axsaabta mucaaradka ahi. Waxa kale
oo subax walba Rayaale ku kalighi jiray bilihii u dambeeyey kormeerro uu
kusoo marayey xeryaha ciidamada kala duwan ee ku hareeraysan Hargeysa,
waxa kale oo tababarro ciidan loo furay askar cusub oo laga soo qoray
gobolada soomaaliland, siiba kuwa madaxweynaha iyokuxigeenkiisa sida
aadka ah looga taageero. Ciidamadaasi la tababaray intii u horreysayna
dhawaanta kasooa baxeen dugsioga NMadheera, lana moodayey inay u
baqoolayaan degaamada Sool iyo jiidda hore ee soohdinta Puntland ayaa la
sheegeyaa in badankooda lagusoo xereeyey xeryaha ciidamada ee ka agdhaw
Hargeysa, maadaama anay wax dagaallo ahi haatan ka jirin jiidaha sool
iyo sanaag Bari.
Waxa kale oo iska caddaan ahayd in maalintii dhaweyd ee guurtidu muddada
xilka u kordhisay xukuumadda Rayaale, sida ciidamada kala duwan loogu
wareejiyey xarunta guurtida iyo jidadka tega xaruntaasi, cid kasta oo
meesha maraysayna u arkaysay in ciidamadani ahaayeen dhoolatus loogu
quus goynayey dhaqdhaqaaq kasta oo ka yimaadda mucaaradku noqon doono
mid ay ka calaacalaan.
Waxba kama dambayn, shalay ayaa durba waxa bilaabmay olole lagusoo
xidhay guddoomiyhii xisbiga Kulmiye ee Hargeysa, kuwa kalena lagu
raadjoogo. Ujeedadu maaha in ololahani joogsan doono marka la qabto
ragga haatan la qabtay iyo kuiwa la raadinayo, baaalse axa uu yahay
tijaabo kale oo dadka lagu ilawsiinayo tallabadii guurtidu xilka ugu
kordhisay dawladda, sheekaduna noqoto hebel hala sii daayo, oo anay
noqon rayaale haka tego kursiga marka wakhtigiisu dhammaado 15ka May,
waxana ololahni qabqabashada siyaasiyiintas muxcaaradku gaadhi karaa
ilaa heer la qabto guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, inta
raggaasi xidhanyihiinna , tallaabooyin kale xukuumaddu ku dhaqaaqdo si
ay u kasbato shicibka maanta ku daba fayshan axsaabta mucaaradka ah,
kuwaasoo lagu beerlaxawsan karo inaanay siyaasiyiinta mucaaradku luggoyn
shiciobkaasi oo ay si nabadgelyo iyo khasab ah ku raacaan xisbulxaakimka
UDUB iyo dawladdiisa.
Tan iyo markii la xidhay Xamarji, waxa bilowday uun sheeko ku saabsan
waxa sababay xadhiggiisa iyo sida looga shaqayn karo siideyntiisa, balse
ma dhicin tallabooyin xukuumadda ka dhan ah oo lagu ciqaabayo falka ay u
geysatay masuuliyiinta xisbigaasi, kuwa kalena ay ku raadsanayso
qabashadooda.
Cid kasta oo reer Somaliland ahiba way garanaysaa waxa ka iman kara
xukuumad awood sheegata, kaarayaal ku faanaysa, ciidan beeleedyo la
qarameeyey, iyo xukun kelitalisnimo ku sii socda ama haatanba ku socda,
waxana arrimahan oo dhan loo aanayn karaa inay xukuumadda ku
dhiirrigeliyeen odayaasha, sheekhyada, iyo siyaasiyiinta sharcidarada ku
fadhida Golaha guurtida, kuwaas oo u muuqda inay dhaartoodii,
cimrigoodii iyo daacadnimadooda xagga ilaahayba ay ka qariyeen arrimo
siyaasadeed oo ay ugu adeegayaan cid gaar ah oo aan aakhiro waxba u
tarayn, waana hubaal in xadhigga mucaaradku sii socon doono ilaa ay la
jaanqaadaan jid la mid ah jidka xukuumadda Riyaale ku doonayso inay ku
gaadho guulo kale iyo awoodo kale oo ay dalkan kusii haysato.
“[Riyaale] Ninka Baarlamaankiisii Qarxiyay Way Ka Suurowdaaye Halaga
Gaadho Intaanu Qarxin Madaxtooyada”
Dr. Cumar Cilmi Dixood |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Dr. Cumar Cilmi dixood oo ka mid ah
madaxda sare ee xisbiga kulmiye ayaa ku eedeeyay golaha guurida muddo
kordhintii ay u sameeyeen madaxweyne Riyaale taas oo uu ku tilmaamay
inay ahayd mid sharci daro ah distoorkana baal marsan.
Waxa kale oo uu Dr. Dixood ku eedeeyay Rayaale inaanu doonayn in dalka
ay ka dhacaan doorashooyin taasoo dib u dhigaysa ictiraafkii ay soalind
18ka sano raadinaysay. Sidaana waxa uu Dr. Dixood mar uu xalay soo
booqday wargeyska Haatuf, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi
“Waa wax lala yaabo guurtida 1993-kii ka bacdi shirkii boorama markuu
dhamaaday ayaa warqad laga qoray, waxaa ka qoray London school of
economist ninka luwis la yidhaahdo ayaa waraaq ka sameeyey Guurtida iyo
waxay qabato dhaqanka soomaaliyeed, waxaa kharashka bixiyey lagu
samaynayey ururka la yidhaahdo Action Aid, aniga ayaa talo layga
waydiiyey hadaad tahay Dr: Cumar Dixood, Guurtida Somaliland ee
nabadayanta ka soo qayb qaadatay sideed u aragtaa jiritaankeeda?, waxaan
xusuustaa mar aan idhi marka ay xaalad adagi jirto oo qabaa’il dhex taal
ayey gali karaan waxna ka qaban karaan, arrintaasina waa arrin la og
yahay goorta ay bilaabantay, dhibaatada ay gaysatay iyo sida ay u
fidayso, arimaahaasi oo ah kuwa qabaa’ilka Somalida dhex marta, hadba
garta raga ugu firfircoon ayaa loo soo xulaa oo gala, Guurtidani markii
ay Dhalinyaradii SNM u baahdeen raashin iyo kharash lagu dagaal galiyo
ayaa waxaa loo abuuray in ninkastaaba meesha uu aqoon u leeyahay
kalsoonina ka haysto in uu ka soo ururiyo taageero rag iyo raashin-ba
iskugu jirta, waana la yaqaanay markaa raga loo xilsaaray in ay yihiin,
dad odoyaal ah oo bulshadaa ama qoladaa kalsooni ka haysta, sidaa ayey
ku abuurmeen kuna shaqayeen shirkii Booramana , markii ururkii SNM uu
kala daatay ee dagaalka sokeeya ka dhacay, ee iskugu yeedhay shir
dabadeedatana waxay qabteen shirkii lagu soo saaray Cigaal, xaaladaas
joogtay mar hadii laga gudbay, oo ay isa soo hor fadhiisiyeen, inay
arrimahaas qaadaan looma baahna waayo malaha aqoon sare oo hay’adahaas
sare kaga qayb galaan, haddii lagu sii daayana way dhex fadhiisan karaan
arintu marka ay noqoto arrin dhaqaale, arrin siyaasadeed, arrin caalam
la xidhiidha, markaa ma qabo haddii arrin mar wax ka dhacay ay ka qabato
in siyaasada dalka taageerto mooyee in ay dhex gasho, waayo, badanaa
waxay u badan yihiin rag odoyaal ah oo aan cilmi lahayn oo aan waxba
baran, xitaa hadii lagu soo daro rag wax qori kara arrinta siyaasada
kuma sii jiri karaan, haddii ay ku sii jiraana qabyaalad ayey dib kuugu
celinayaan, waayo tii uu yaqaanay waxay ahayd qabyaalad, marka maanta
tii aan arkaayey ee aan idhi maalin hadii lagu guuro waa in la baabiyo,
oo halkaa Guurtida Rag siyaasiyiina oo aqoon leh waa in loo xulaa hadii
loo baahdo ( aqalka odayada), tii ayaa maanta dhacday marka horeba
Guurtiddu ma aha kuwii SNM-ta wakhtigaa xaalada ka saaray,dawladii
shirkii Maxamed X. Ibriaahim Cigaal lagu soo doortay mar labaad kii
dadkii loo soo xulay ee waliba la soo daadiyey si ay ugu codeeyaan oo
waliba beesha subeer awal iyo Beesha Arab ragii ku jiray waa la soo
daadiyey si ay ugu footeeyaan Cigaal iyo cida uu wato sida Daahir
Rayaale oo kale,Aniga (Dr: Cuma Dixood), Jaamac khayre, Dayib gurey,
Quule ragayagii ay ahayd in aanu matali karno beeshaas, waa nalooga
dhaartay in aanu soo galno shirkaa,shirkaasi nimankaa lagu sharciyeeyey
kii ugu horeeyey ee nimanka lagu xalaashado ayuu ahaa, markaa marka aad
eegto kuma jiro nin aad is odhan karto xaalad nabadeed loo saari lahaa.”
Mar la weydiiyay su’aal ahayd “Waxaa jira in qodobo Ditooka ahi ay
sheegayaan inay u cuskan karaan marka ay xaalad ka banaanaato waqtiga
Madaxweynaha xilkiisu dhamaanayo cidi bedeli lahaydna aan la soo dooran
ay soo baxdo inay u cuskan karaan?” waxa uu Dr. Cumar Dixood isagoo ka
jawaabaya yidhi: “Guurtidani marka horeba waxay ahaayeen jujuub 1997
lagu keenay iyagoo wadanku kala daadsan yahay, marka horeba nimankan
dhaameel ayaa loo daadiyey, waxay ahaayeen niman wax lagu fushado,
Arliguna wuxuu ku jirey dagaal sokeeye oo looma dhamayn, lagumana soo
xulin oo Reeruhu may soo xulan, imikana qudhigooda kuwii wixii dhintay
waxaa badaley dhalaan ay dhaleen oo uu 25 jirku ugu weyn yahay,lama
odhan karo guurti, Guurti waxaa la yidhaahdaa reerka ama beesha kuwa ugu
macquulsan oo dad haday wax kala galaan kala saari kara, laakin kuwani
waa magac u yaal, guurtina ma noqon karaan, sifihii guurtida lagu
yaqaanayna ma laha, aqoon gaara oo lagu soo xushayna ma jirto, anigu
markaa waxaa layidhi mayd maxaa u dambeeyey kaa la sii sido, markaa
nimanka aqbalay Baarlamaankii sharci dajinta ayaanu ka tirsanahay,
nimanka aqbalay in gurigoodii la gubo si madaxweynaha loogu abuuro
xaalad ha sii joogo dastuurkay ku qoran tahay, madaxweynaha waxaa muddo
loogu kordhinkaraa marka ay mudadiisu dhamaato hadii ay xaalad dagaal
jirto, xaaladii dagaal waxay ka dhigeen gurigoodii uu goluhu ku
shiraayey oo ay gubaan, mar haddii Daahir Rayaale arintaa uu qorsheeyey
rag fuliyana uu sameeyey taas oo aan hubo in ayna ka suuroobayn kulmiye
iyo Ucid iyo dadkii dalkan u soo dagaalamay in ay guryo gubaan balse aad
arkaysid maalmahan ugu dambeeyey ficilka lagu kacaayey mid caruurta iyo
dad qayral masuuliyiin ahi, waxaa cad in ay iyagu ka dambeeyeen,
mucaaridkuna aanu ka dhowayn, imikana waxan leeyahay in madaxweynaha
Daahir Rayaale oo mudo 30 cisho in ka yari u u hadhsan tahay ha laga
gaadho inta aanu madaxtooyada gubin, in boolisku fiiro gaar ah ka
yeeshaan, waxaaba loo qabsan karaa haddii arintani oo kale dhacdo
markhaati wakhti kasta iyo goor kasta oo arintani ay dhacdo in arinta
baarlamaanka ka dhacday ay iyagu fuliyeen tana way fulin karaan, arintan
maanta dhacday ninka ku kacay dalkan Madaxweyne kama noqon karo, markii
horena ictiraaf muu haysan, caalamkana waxaynu u sheegaynay in aynu
nahay dal iyo dad dagen, kolkaa haddii kursi jacayl daraadii u baabiyey,
wuxuu kari karaa in uu dalkaba iibiyo cid kalana heshiis kula galo si ay
kursiga ugu ilaaliyaan, dharaar hore waxaan idhi markuu Yuusuf Cabdi
Gaboobe iyo Maxamed Xaashi iskadaba geeyey waxaan idhi ninbaa yidhi
walee hadaan karinkaa laga guurin walee in goroyo heeryeysani ka soo
dhici,, shalay hadii uu Maxamed Xaashi iyo caqligii xidhay oo uu afarta
sanadood ku xukumay haddii Baarlamaankiisa xidho wax kalena waa looga
fadhiyaa in uu Daahir ku kacee, waar bishaa 15 May markay gaadho
Somaliland ninkaasi dalka halaga qabto,waxaan dhalinyarada u sheegayaa
waxaa loo dam iyo dig lahaa waxay ahayd doorashada yaanla qaban,
doorashada Baarlamaanka Ingiriiska, wasaarada arimaha dibada ingiriiska
iyo ta khaarajiga maraykanka waxay yidhaahdeen marka aad doorashadaa
qabataan ictiraafkiinu waa diyaar, waxaa kale oo aad ogtihiin in imika
goobjoogayaal ka nahay barwaaqo sooranka (common wealth) oo sanadkan
laynoo bilaabay in aynu ka mid noqono, haday doorashadu dhacdana bisha
ogost 31keeda layna siin doono xubinimo buuxda ( full Member ship) layna
siin doono, waxaa laynagu waaniyey in doorashada muddada aad u qabateen
ay ku dhacdo, oo hadaydaan soo hormarinayn marnaba aydaan dib u dhigin,
danta gaarka ah iyo kursi jacaylka Daahir ayaa gobonimada aynu 18 sano u
dagaalamaynay Daahir ha sii jooga daraadeed baarla maankii loo gubayaa,
oo sharciga loo baabinayaa, oo ragii wadankan u soo dagaalamay loo
xidh-xidhayaa, oo loo baabiinayaa nabad galyadii ay Somaliland ku caano
maashay, anigu waxaan leeyahay hadii doorashada la qabto bisha october
oo ta madaxtooyada la soo horeysiiyo, 500 oo inan oo jaamacadaas ka soo
qalin jabiyey ayeynu deeq waxbarasho u helaynaa oo aynu dibada u
diraynaa iyo wax ka badan, noloshii dalka iyo dadka iyo gobonimada
Somaliland ayey ku xidhan tahay doorashadani, markaa marnaba ma doonayno
in doorashada dawladaha hoose ay soo horayso ee waxaanu doonaynaa in ta
madaxtooyadu soo horeyso oo dhacdo 6 october wixii aan taa ahayn ma
ogolaanayno, dawlad loo dhan yahayna waa in la dhisaa, Daahir-na
mudadiisii way dhamaatay.”
Gudoomiyaha
KULMIYE Ee Gobolka Hargeysa Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Baadi-Goobka
Masuuliyiin Sar-Sare Oo Mucaaridka Ah |
Waarrano Qabasho Ah Oo La Sheegay In Loo Jaray Muj. Maxamed Kaahin Iyo Dr.
Cumar Dixood
Hargeysa, April 13, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka
Hargeysa, Axmed Cumar Sheekh (Xamarji) ayaa shalay ciidanka Bileysku
xabsiga u taxaabeen, kaas oo ilaa hadda ku xidhan xarunta Laanta
Baadhista Dambiyada Bileyska (CID).
Muj. Xamarji ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ciidanka
Bileysku doondoonayeen iyada oo la sheegay in loo haysto inuu Bileyska
kala baxsaday Madaxii hore ee Gaadiidka Madaxtooyada, Abshir Xasan oo ay
bileysku doonayeen inay xidhaan Khamiistii dhaweyd. Waxaana la sheegay
in Xamarji isaga cagihiisa ku tegay xafiiska C.I.D-da shalay markii uu
maqlay inay bileysku raadinayaan, waxaana halkaas loogu sheegay in amar
lagu siiyay in la xidho, balse aanay garanayn waxa loo haysto.
Hase yeshee Taliyaha Bileyska Maxamed Saqadhi Dubad ayaa u sheegay
BBC-da, Laanta Afka Soomaaliga in lagu eedaynayo Guddoomiyaha Xisbiga
KULMIYE ee gobolka Hargeysa qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida
Arbacadii dhowayd.
Dhinaca kale, waxay warar ilaa xalay soo xoogaysanayay tibaaxeen in
Xukuumadda Riyaale waarrano qabasho ah u soo goysay masuuliyiin sar-sare
oo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Saraakiishii SNM, kuwaas oo ay
xukuumaddu damacsan tahay inay xabsiga u dirto.
Ragga la sheegay inay xukuumaddu waarranada u soo goysay waxa ka mid ah
Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horeysay ee
ururkii SNM iyo Dr. Cumar Dixood oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, isla
markaana ahaa ergaygii hore ee Aqoonsi-raadiska Somaliland, hase yeeshee
ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda oo la
xidhiidha qabashadood.
Taliyaha Bileyska, Mr. Saqadhi oo aanu xalay khadka telefoonka kula
xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino inuu gaadhay amarka qabashada
labadaa masuul, ayaa si masuuliyad-darro ah ugu jawaabay “Kii kuu
sheegay ka xaqiiji”, kadibna telefoonka ayuu ku xidhay weriyihii
su’aasha telefoonka ku weydiiyay.
Masuuliyiinta KULMIYE oo aanu iyagana la xidhiidhnay ayaa sheegay inaanu
jirin wax waarran ah oo loo keenay, balse ay maqlayaan warka sheegaya
waarranada loo soo gooyay masuuliyiintaas.
Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegeen in ciidamo bileys ahi ay
subaxii hore ee shalay Hotelka Xaraf ugu tageen Muj. Maxamed Kaahin,
waxaanay ku wargeliyeen inuu u raaco xarunta C.I.D-da oo looga yeedhayo,
balse ciidankaasi kumay guulaysan inay kaxeeyaan Mujaahid, manay jirin
wax waarran maxkamadeed ah oo ay siteen. Sidoo kale waxay wararkaasi
intaas ku dareen inay mar labaad ciidan bileys ahi ay tageen Hotelka uu
degan yahay ee Maaweel, balse ay halkaas ka waayeen.
Sidoo kale ciidanka Bileyska ayaa laba saddexdii maalmood ee u dambeeyay
baadi-goobaya Madaxii hore ee Gaadiidka Madaxtooyada, Abshir Xasan oo ay
Khamiistii ciidanka Bileysku baacsadeen isagoo ka soo baxay xaflad ay
dhawr boqol oo dhalinyaro iyo haween isugu jira oo ku soo biiray KULMIYE
kana soo baxay UDUB ku qabsadeen hoolka shirarka ee Panorama, kaas oo ay
bileysku ku guul-daraysteen qabashadiisa, balse waxay wararku sheegayaan
in weli bileysku baadigoobayo iyadoo sababta loo raadinayo lagu
tilmaamay inuu Abshir Xasan ka mid ahaa dadka ka soo shaqeeyay boqolaal
dhallinyaro iyo haween ah oo xisbiga KULMIYE ku biiray.
Xukuumadda Riyaale tan iyo labadii sannadood ee u dambeeyay waxay bileys
qabqabteen iyadoo aanay jirin waarran Maxkamadeed oo uu u xalaalaynaya
qabashadooda, siyaasiyiin, suxufiyiin iyo mujaahidiinba, kuwaas oo muddo
badan xabsiga layskaga hayo isla markaana aan helin Maxkamad dhexdhexaad
iyo cadaalad uga gar-naqda kiiska lagu eedaynayo.
Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka mid ahaa 7dii Kornayl ee ugu horreeyey
saraakiishii Millateri ee u tallaabay Itoobiya, 1982, halkaasna ka
aasaasay garabkii hubaysnaa ee ururkii SNM ee dalkan ka xorreeyey
taliskii Millateri ee Siyaad Barre. Waana sarkaalka keliya ee ka nool
saraakiishaas.
Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu ahaa Sarkaalkii Daahir Riyaale ka soo
kaxeeyay magaalada Laas-caanood oo ku sugnaa sannadkii 1991 kadib markii
laga adkaaday dawladii Siyaad Barre ee uu Sarkaalka NSS-ta ah ka ahaa,
isagoo sii raacay ciidamadii Cabdi-Casiis Cali Barre ee u yaacay dhinaca
Somalia, balse Riyaale waxa uu kaga hadhay ciidamadaas Laas-caanood,
halkaas oo markii dambe kala soo xidhiidhay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw
Cali, kadibna Maxamed Kaahin uu halkaas ka soo kaxeeyay.
Dareenka Dadka Reer Togdheer Ka Bixiyeen Muddo Kordhinta
Madaxweyne Riyaale |
Burco, April 14, 2008 (Haatuf) – Dadka reer Togdheer, gaar ahaan reer
Burco ayaa dareen cadho leh ka muujiyay tallaabadii ay Khamiistii ina
dhaaftay golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale
iyo ku-xigeenkiisa muddo sannad ah iyo xadhigga ay kula kacday xubno ka
mid ah masuuliyiinta iyo odayaasha bulshada reer Somaliland, kuwaas oo
xabsiga loo taxaabay maalmihii u dambeeyay, waxaanay dadka reer Burco ku
tilmaameen tallaabooyinka kuwo aan waxba loogu hanbayn Somaliland,
dimuqraadiyaddii iyo xuquuqdii aadamiga ee muwaadiniinta iyo Ictiraafkii
beesha caalamka laga sugayay muddada 18 sannadood ah oo god waraabo lagu
tuuray.
Haddaba weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, ayaa
warbixin uu ka soo diyaariyay darreenka dadweynaha gobolka Togdheer waxa
uu ku bilaabay sidan:
“Inkasta oo ay beryahanba dadku dhawrayeen iskana sii ogaayeen
tallaabooyinka ay Golaha Guurtida iyo Xukuumaddu qaadeen haddana waxay
dadku kala horyimaadeen cadho iyo diidmo muddo-kordhinta indho la’aanta
ah ee golaha Odayaashu Xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ugu
kordhiyeen hal sanno inay xilka sii hayso iyo xadhigga sharci-darrada ah
iyo cago-jugleynta ay xukuumaddu kula kacday dadka muxtarimka ah iyo
masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka.
Gobolka Togdheer oo ay dadkiisu isu arkaan kuwo ay ku dheertahay ama ku
ad-adag Somalilandnimada oo ay u arkaan inay tahay Burco halkii lagaga
dhawaaqay Somaliland, ayaa beryahan dambe waxa bariisaday abaaro,
sicir-barar iyo waxqabad la’aan dhinaca dawladda ah, hase yeeshee waxa
taas u dheer iyadoo ay xukuumaddu u aragto amaba ka dhigtay meel ay il
gaar ah ku eegto dadka muxtarimka ee dalka u dhashay, si sharci-darro
ahna xabsiyada ugu taxaabto dad ay ka mid yihiin Salaadiin, Siyaasiin
iyo odayasho waaweyn oo bir-ma-geydo ah oo reer Togdheer ah, kuwaas oo
uu ugu dambeeyay Oday Deyr Maxamed Cilmi oo isaga ay toddobaadkii ina
dhaafay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay, haddana ku xidhan xarunta
baadhista dambiyada (CID) ee Hargeysa.
Bulshada gobolka Togdheer ayaa tallaabooyinkan waxay u arkaan kuwo aan
Somaliland waxba loogu hambayn, dhinac kastana lagaga curyaamiyay isla
markaana aad moodo in la gaadhay wakhti aan la sii dugsan karin
dhibaatooyinka isdul buuxiyay ee ay Xukuumadda Riyaale dalka geyaysiisay,
taas oo loo baahan yahay in laga qaado tallaabadii dalka lagaga saari
lahaa dhibaatada dalka ku habsatay ee ay sababta u tahay Xukuumadda
Riyaale madaxda ka yahay.
Axmed Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah dadweynaha reer Burco ayaa isagoo
dareenkiisa cabiraya waxa uu yidhi: “Bal dalka waxa laga hadlayaa
muddo-kordhin, Guurtida caqligoodii wuxuu noqday xilka ayaanu
korodhsanay Madaxweynahana waanu u kordhinay, dunida war uma hayaan,
weli lama arag iyaga oo Xukuumadda ku leh doorashadu marka ay soo
dhawaato haloo diyaar-garoobo oo yaanay wakhtigeedii dhaafin si caalamku
inoogu soo hagto. Tallaabooyinka ay qaadayaan miyaanay iska caddeyn oo
aanay ahayn inaan layna aqoonsan.”
Cabdi Xuseen oo isna ka mid ah dadweynaha reer Burco, ayaa yidhi: “Wax
walba waynu aragnaa, Sicir bararka maynu arag Madaxweynaha oo ka hadlaya,
Guurtida oo ka hadlaysa, Nacamlayaasha Madaxweynaha oo ka hadlaya,
maxaynu u arki waynay golaha Guurtida oo maalin qudha ka hadlaya in
caasimadda labaad ee dalka ee lacagta shillin Soomaaliga lagu isticmaalo
in culays lagu saaro Xukuumadda sidii looga bedeli lahaa. Talo adduun
waxa ay ka garanayaan muddo loo kordhiyo Madaxweynaha. Madaxweynaha-na
waxa u sharaf badnaan lahayd wakhti yar muu fadhiyin Madaxtooyada’e inuu
si xarago leh xilka uga dego marka muddadiisu dhammaato.” Maxamed Aadan Ismaaciil oo isna dareenkiisa ka muujiyay arrintan taagan
waxa uu yidhi: “Xukuumaddu sidan ma waxa ay u aragtaa in wax ugu
kordhayaan inay dad bulshada dhexdeeda sharaf ku leh si sharci-darro ah
isaga xidhxidho, sida ay wax u wadaana ma aha mid ay wax ugu hagaagayaan
ee waa mid ay iyadu wax isku yeelayso. Dadkan wax allaale wax ka
xumaanayaa ma jiro, ninkii Soomaaliya quudaraynayaana waa nin aan habeen
jirin, sida muuqatana ma aha 100 sanno oo soo socda mid caalamku wax ka
qaban karo.”
Si kasta ha ahaatee dareenka dadka reer Burco ayaa waxa uu marayaa
wakhtigan meel aad u xasaasi ah oo ay dadku ka midaysan yihiin in
xukuumadda uu madaxda ka yahay Daahir Riyaale ku guul-daraysatay
horumarinta dalka ayna ka badheedhay inay dalka meel xun dhigto oo aanay
wax dan ah ka lahayn markii ay aragtay inay luntay kalsoonidii ay
shacabka ku lahayd, ayaa hadda waxa ay wadaa inay shacabka qori u
adeegsato, taas oo ay wadooyinka magaalooyinka ku soo dhoobtay ciidamo
milateri ah, si ay cidii ay doonaan si sharci-darro ah iskaga xidhaan.
Xukuumaddan oo ay u badan yihiin ragii la shaqayn jiray dawladdii
Soomaaliya ee Siyaad Barre oo iyadu aakhirkii ku dambaysay in
Madaxweynaheegii awoodda badnaa ee Maxamed Siyaad Barre hadh cad
caasimaddii Somalia taangi lagaga saaro, markii uu ku tuntay rabitaankii
shacbiga.
Raggan oo lagu tuhmayay kuwo khibradahaas hore oo og inaan shacbiga qori
lagu cabudhinin, ayaan ilaa imika la garanayn halka ay wax dhigi doonaan.”
Xukuumadda Oo Dhaqdhaqaajinaysa Koox Salaadiin Ah Si Ay
Taageero Ugu Helaan Muddo-Kordhinta Madaxweyne Riyaale Ee Guurtidu U
Samaysay |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Xukuumadda Riyaale ayaa maalmihii u
dambeeyay ku hawlanayd sidii ay u dhaqdhaqaajin lahayd koox
Madax-dhaqameedyo ah oo taageero u raadiya muddo-kordhinta ay Guurtidu
xilka ugu kordhisay muddo hal sanno ah Madaxweyne Riyaale iyo
ku-xigeenkiisa oo muddadii xilka loo doortay kaga egtahay 15-ka bisha
soo socota ee May.
Salaadiin iyo Cuqaal ka mid ah madaxdhaqameedyada beelaha Somaliland,
ayaa la sheegay xukuumaddu kharash-garanayso si ay taageero ugu
raadinayaan muddo-kordhinta, isla markaana baaqyo ka soo saareen ay
bulshada ugu baaqayaan in la ilaaliyo nabadgelyada oo Xukuumadda Riyaale
loo ogolaado muddada loo kordhiyo.
Kooxo Salaadiintan ka mid ah ayaa la filayaa inay xisbiyada mucaaridka
la kulmaan si ay ugu qanciyaan inay ogolaadaan muddo-kordhinta Guurtidu
u samaysay Xukuumadda Riyaale. Sidoo kale waxay salaadiintu la filayaa
inay la kulmaan qaybaha kale bulshada iyagoo ku qancinaya inaan loo
baahnayn muranka siyaasadeed ee haatan dalka ka jira, isla markaana
haddii uu sii kordho keeni kara isku dhac iyo nabadgelyo-darro.
Lama ogga inay salaadiintu beelaha Somaliland arrintan u dhan yihiin iyo
inay ku kooban tahay koox keliya oo ka mid ah Salaadiinta. Ilaa hadda ma
jiraan mawqif ay Salaadiinta beelaha Somaliland ka wada-gaadheen arrinta
muddo kordhinta.
Ciidanka Amniga Boorama Oo Dib U Soo Qabtay Maxbuus
Baxsaday Oo Lagu Tuhunsan Yahay Ka Qaybqaadashada Dilkii Askari Ka
Tirsanaa Ciidanka Bileyska |
Boorama, April 14, 2008 (Haatuf) -- Ciidanka amniga ayaa la sheegeyaa
inay aakhirataankii dib u soo qabteen maxbuus ka baxsday xabsiga
saldhigga Bileyska Boorama, kaasoo ka mid ah dad loo xidhxidhay dilkii
askari ka tirsan ciidanka amniga Boorama oo bishan bilowgeedii lagu
dilay Boorama isagoo gudanayey waajibaadkiisii, una gurmanayey guri ay
usoo dhaceen tuugo la sheegay inay biraha iskaraabka ka xadayeen guriga
askarigaasi lagu dilay.
Sida ay ii sheegeen qaraabada marxuumkaasi askariga ahaa o la odhan
mukhtaar Cismaan Warsame, kana tirsanaa cidamada nabadgelyada wadooyinka,
waxa jirtay in maxbuus ka mid ah tiro maxaabis ah oo saldhigga Bileyska
Boorama ugu xidhnaa dilka askarigaasi inuu ka qayb qaatay la waayey
habeen hore, isla markaana shalay ilaa xalay ciianka amniga iyo
ciidamada kale ee Boorama ku suganiba baadigoob ugu dhaqaaqeen,
baadigoobkaasi oo sababay in aaakhirataankii la soo qabto maxbuuskaasi.
Inkastoo anay taliska ciidanka amniga Boorama wax tafaasil ah oo ku
saabsan fakashada maxbuuskaasi iyo soo qabashadiisa dambe, balse
baxsadkiisa ayaa shalay Boorama ka kiciyey cadho iyo dareen kale oo ku
saabsan sida uu u baxsan karo qof lagusoo eedeeyey inay geystay mid ka
mid ah dembiyadii ugu xumaa ee weli soo mara gobolkan awdal maadaamam
sida loo dilay askarigaasi aahjayd mid ka baxsan heerka bani aadannimada,
kaasoo dadkii dilay jidhkiisa ku jarjareen faashash iyo tooreeyo, iyadoo
hore looga bartay in tuugga wax xadayaayi qofka uu ka shakiyo inuu qabto
uu iskaga reebo nabarro yaryar.
Sida ay sheegeyaan dib-u-soo qabashada maxbuuskaasi oo aan ilaa hadda
xog sugan laga haynin, ayaa caddeeyey in maxbuuskaasi shalay waaberigii
lagu soo celiyey xabsiga saldhigga Bileyska iyadoo dhinaca kalena
dareemmo kala duwan laga bixin karo, sida dad loo haysto ama lagu soo
eedeeyey jariimado noocan oo kale ah muddo dheer loogu hayn karo xabsiga
saldhigga Bileyska, looguna gudbin waayey xabsiyada dhexe ee dalka.
Sida wararku sheegeyaan arrintan iyo dhacdooyin kale oo ammaan-darro ah
oo beryahan dambe ku soo kordhay Boorama, isla markaana dorraad uu
arrintaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Awdal, ayaa haatan waxa u
xidhxidhan dad ka badan 20 qof, kuwaas oo sugaya in ciddii ay ku
caddaadaan dembiyadaasi sharciga la mariyo.
“Haddaan La Doonayn In Ummadda Maantana La Qaxiyo Halaga
Daayo Durbaanka Colaadeed Ee Loo Tumayo”
Wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan-Weyne |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Wershadaha Somaliland,
Maxamed Saleebaan Maxamed [Ina Saleebaan Weyne], ayaa taageeray
go’aankii golaha guurtida Somaliland mudada halka sano ah ay ugu
kordhisay Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa. Wasiirka Wershaduhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay shir
jaraa’id ku qabtay Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, oo uu kaga
hadlay xaalada siyaasadeed uu dalku ku jiro.
Maxamed Saleebaan Weyne, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlayay, ayaa waxa uu
yidhi: “Waxaan idiin sheegayaa arrimaha imika socda ee doorashooyinkan
ku saabsan ee durbaanka colaadeed la garaacayo ayaan idiinka waramayaaye,
horta in dadka la tiro oo la diwaan geliyo iyadoo muddo sanad iyo
dheeraad ka hadhsan yihiin cidda keentay ee soo dhigtay golaha wakiilada
waxa weeye, shirgudoonka mucaaridka ah ee aqalka Wakiilada, ta labaad
Madaxweynaha Somaliland waxa uu magacaabay gudidiii Komishinka bishii
January ee sanadkii hore, xubintii KULMIYE waa la magacaabi waayay oo
waxay qaadatay lix bilood oo waxa la magacaabay Bishii June.”
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Golaha wakiilada ee
xisbiyada mucaaridka ahi ay shirgudoonka ka yihiin waxay saareen guddi
soo qiimaysa in toddobada xubnood ee komishinka cusubi ay buuxiyeen
shuruudihii looga baahnaa, guddidii saddex nin ayay yidhaahdeen
shuruudihii may buuxin, saddexdii markii haddana Baarlamaankii la
horkeenay ayaa nin-na cod la siiyay labadii beelaha cidhifyadana la
diiday, waxa maanta dalka ka taagan waxaan idiin sheegayaa inay si is
daba joog ah ay uga masuul yihiin xisbiyada mucaaridka ah iyo
shirgudoonkoodaasi”.
Maxamed Saleebaan Weyne oo ka hadlayay heshiiskii xisbiyada iyo
komishinku ay ka gaadheen muddaynta doorashada waxa uu yidhi “Waxaynu
ognahay in saddexda xisbi qaran iyo komishinku inay ku heshiiyeen in
bisha October la galo doorashada golayaasha deegaanka, doorashadii
Madaweynaha Iyo Madaxweyne ku xigeenkana bisha December la galo,
doorashadaas la gelayaa waxay dib uga dhacaysaa xiligii Madaxweynaha ay
kaga ekayd muddada oo ahayd 15/5/2008, markaa ilaa December inta u
dhaxaysa waxa la galayaa dhibaatooyin dastuuri ah, haddii Madaxweynaha
iyo Madaxweyne ku xigeenkii wakhtigoodii dhacay doorashana aan la qaban
waxa is weydiin leh dalku muddada intaas le’eg muxuu ku sugnaanayaa”.
Wasiirku waxa uu sheegay inay Guurtidu yihiin gole dastuuri ah oo xaq u
leh inay dalka ka badbaadiyaan duruufaha noocaasi oo kale ah.
Maxamed Saleebaan-Weyne, waxa uu sheegay inay jiraan dad doonaya inay
shacbiga baro-kiciyaan, waxana uu yidhi “Waxa caado noqotay in maalin
walba ummaddan durbaan colaadeed loo garaaco, wakhtigii la qixin jiray
ayaa maanta soo galay, maalin walba in durbaan colaadeed loo garaaco oo
xataa ummadda la iska horgeeyo ma aha, waxaan leeyahay wadankani qiimaha
uu ummadda ku joogo waa la garanayaa. Waxa si toos ah oo aan war wareeg
lahayn komishinkii iyo xisbiyadii isla garteen inay bisha December, ay
dhacdo doorashadii Madaxtooyadu, waar haddii aynu go’aankaasi gaadhnay
waxa durbaanka loo tumayaa wixii December ka dambeeya maan garan.
Nasiib darrada iigu weyn ee aan arkay waxay ahayd maalintii khamiistii
ee la soo dhaafay nin weyn oo masuul ah oo dalkan doonaya inuu madax ka
noqdo ayaa waxa uu yidhi ciidankeenu beelo ayuu noqon doonaa, dad badan
oo wadanka iskaga oohin jiray ayaa imika ina weydaaranaya oo xagii aynu
ka nimid qabanaya.”
Wasiirka oo la weydiiyay inuu taageersan yahay go’aankii xisbiyada iyo
komishinka oo uu ka soo horjeedo muddo kordhintii guurtida, ayaa ku
jawaabay oo yidhi
“Maya horta waa in aynu marka hore fahanaa in golaha guurtidu uu yahay
gole dastuuri ah, oo xaq u leh inay ka hawl galaan oo ay dalka ka
saaraan duruufaha noocan oo kale ah.
Golaha guurtidu haddii ay ogaadeen in madaxweynaha wakhtigiisu uu
dhamaanayo bisha May, oo aanu wadanku qalalaase iyo khilaaf dastuuri ahi
inaanu dalku ku dhicin si ay uga badbaadiyaan ay go’aan gaadheen xaq bay
u leeyihiin”.
“Shaqadaydu Waxay Ahayd Baadhe, Faylal Badan-Na Waan Hayaa Oo Buug Ayaan
Ka Qorayaa, Maxamed Kaahin-Na Go’ Shaal Ah Ayuu Burco Ku Dhexmaraa”
Wasiirka Daakhiliga, Cabdillaahi Cirro |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Daakhiliga Cabdilaahi
Ismaciil Cali ( Cirro) ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedaymo la xidhiidha
shaqadiisii hore ee nabad sugida ee cahdigii dawladii Siyaad Barre oo uu
sida uu sheegay u soo jeediyey Muj: Maxamed Kaahin isagoo Mr Cirro
eedaymo dil iyo falal xun xun ah u soo jeediyey Muj: Maxamed Kaahin.
Wasiirka Daakhiligu waxa uu sheegay in muj: Maxamed Kaahin agoon iyo
caruur aaboyaashood uu laayey ay joogaan magaalada Burco oo uu ogyahay
markhaatina ka yahay.
Mr. Cirro waxa uu si xoog ah u difaacay shaqadiisii uu ka hayay NSS-tii
Siyaad Barre, taas oo uu sheegay inuu isagu ahaa baadhe kiisaska, iyadoo
la ogyahay inta qof ee ay galaafdeen ciidamadii nabadsugidda ee arxanka
daraa ee dawladdii Siyaad Barre.
Sidaana waxa uu wasiir Cirro ka sheegay shir jaraa’id oo uu diiday in
su’aalo laga waydiiyo oo uu ku qabtay Xafiiskiisa.
Cabdilaahi Cirro isagoo arintaa ka hadlaya waxaa uu yidhi: “Marka ugu
horeysa aniga oo aan faanayn hadaan shaqadaydii hore idiin sheego,
waxaan ahaan jirey saraakiishii nabad sugida ka tirsanayd,
takhasuskayguna waxa uu ahaa baadhe, haddaba Maxamed Kaahin maalin
dhawayd aflagaado xun igu yidhi waliba aan kaligay igu koobnayn ee dad
badan oo kale igu daray, wuxuu igu yidhi rag buu xiniinyaha kaga siibi
jirey halkuu ka shaqayn jirey ee godkii, anigu baadhe ayaan ahaa,
waxaanu ahayn laba sarkaal aniga iyo Maxamed Kaahin-na laba kornayl,
isagu wuxuu soo bartay oo shaqadiisu ahayd sida wax loo dilo, aniguna
inaan wax xaqiijiyo oo baadho ayey ahayd, xagii aan ka shaqayeyna rag
badan oo reer Somaliland ah oo nool ayaa markhaati ka ah, waxaa ka mid
ah Saaxiibkey Jidhif, Cali Cismaan, Maxamed Xasan Dalab iyo cid badan oo
Hargeysa jooga oo aad idinkuba Wariyeyaal ayaad tihiine cagihiina ugu
tagi kartaan oo soo waraysan kartaan waxaan meesha ka ahaan jirey inaan
ahaa nin dadka dhibi jirey iyo inaan ahaa nin dadka u roonaa in kasta oo
waxkasta taariikhdu sheegi doonto.
Maxamed Kaahin aniga oo ku dheeraanayn meesha uu ka shaqayn jirey ee
qaybta 26 aad ee Hargeysa oo dhami shaqada uu hayn jiray ee uu Salxaan u
qaban jirey way ogyihiin isaguna wuu ogyahay shaqadii xumaday ee uskaga
ahayd, isagana waan xasuusinayaa haddii uu ilaabay, sababtuu uga tagay
qaybta 26 aadna waa la wada ogyahay, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa
umuliso iyo nin weyni siday wax u ogyihiin wax uma sheegaan, baadhuhuna
wax weyn ayuu ogyahay faylal badan baanu haynaa rag badan oo isu haysta
inay yihiin Mujaahidiin ayaanu ognahay hagardaamooyinkay gaysteen,
Maxamed Kaahin Magaalada Burco wuxuu ku maraa go’ shaal ah, waayo
agoomihii uu laayey caruurtoodii, saraakiishii uu laayey ee saaxiibadii
ahaa ee uu ka mid yahay Ibraahin Layla iyo Haabiil, Hargeysa halka uu ku
tamash leeyo Burco Go’ shaal ah ayuu ku dhex maraa, markaa taariikhdu
sidaasay dadka u kala saartaa, aniga hadaan is faaniyo iyo haddii kaleba,
hadii aan idinka taabto taariikhda, anigu markii aan halkaa joogay 1982
kii dil baa la ii maleegay, waxaana ii maleegay saddex sarkaal oo ka soo
kala jeeda beelaha Abgaal, Ogaadeen, iyo Majeerteen, alla ha u
naxariistee isaga oo nool Axmed Yaasir ayey fiicnaan lahayd, Cabdi
Xuseen diiriye iyo Gabadh kale oo la odhan jirey Sahra Ibraahim oo ay
isku qoys yihiin Gaboose, saddexdaa ayaa waxaa la nagu eedeeyey inaanu
dhagax tuurkii 1982 kii halkaa ka abaabuley.
Waxaa jirey rag badan oo halkan jooga oo aan dil ka badbaadiyey, waxaa
raggaas ka mid ah in uu joogo iyo in kale garan maayee oo magaciisa la
yidhaahdo Ina Xasan Ciidagale, waxaan horta jeclaa in aan buug qoro,
buugaas waxaan ku qorayaa dhacdooyin badan oo dhacay oo ii socda hadaan
kiisaskii aan baadhay, waxaan xasuustaa oo kale nin maanta Hargeysa
jooga oo waliba aniga qoyskayga ah xaaskiisii ayaa ku dacweysay inuu
yahay basaas Itoobiya ah, arintaasi ilaahay ayaa gacantayda soo geliyey
sidaas baanan ku badbaadiyey kama sheekayn karo arimaha isoo maray oo
way badan yihiin, hase yeeshee dee in la is cambaareeyo oo qofku wuxuu
yahay lagu sheego ma xuma laakiin qofka marka waxaanu ahayn lagu sheego
diinteenu way ogoshahay inuu is difaaco oo uu qofku karaamadiisa iyo
sharaftiisa iyo naftiisaba difaaco, anigu in aan maanta ka hadlo oo is
difaaco, laakiin waxaan idinka codsanayaa labadayada idinkaa u dhex ahe
in la baadho labadayadaba, oo aad sheegtaan taariikhahayaga ninkii
dagaal sokeeye galay ee agoontii uu laayey ay maanta dalka ku sugan
yihiin iyo ka aan noloshiisaba waxba dilin, waxaa kale oo aan idinka
ilaaway Maxamed Kaahin markii wasiirka Gaashaadhiga ahaa, jaar baanu
ahayn waxaan xasuustaa in maalin maalmaha ka mid ah in ciidamadii uu
madaxda u ahaa uu ka cunay wixii loogu dhiibay, dabadeedatana inta ay
guriga ugu yimaadeen ay guriga kala baxeen isaga oo feedho qaawan, isla
markaana ay gaadhi ku qaateen.”
“Cabdillaahi Cirro Xaaladii Uu Berigii Hore Ku Jiray Uun Buu Imikana Ku
Sugan Yahay”
Mujaahid Maxamuud Dhool-dahableh |
Anigu waxaan halkan kaga hadlayaa dhawr mawduuc kuwaas oo xaalada dalka
ka jirta ka turjumaya ugu horayn waxa maalintii dhoweyd aqalka Guurtida
ka dhacay qarax, isla maalintii ayaa Mr Cirro oo xaafadayada ah oo
halkaa Illaahay wax kaga dhigay oo noqday wasiirka daakhiliga ee
xilligan, ninka kursi ummadeed ku fadhiyaana UDUB. UCID IYO KULMIYE wuu
u dhexeeya ninku kolka u sidaa yahay meel qarax ka dhacay oo aqalka
Guurtida dhexdeeda ah oo dibada la dhigay ee gudaha ka dhacay isla
markii laga soo baxayna qarxay ayuu wasiir Ciro yidhi waxa ka dambeeyay
Kulmiye ninka masuulka ahi waxyaabaha qaarkood inuu ku kaco maaha kolka
uu baadho ee ogaado aniga oo Kulmiye ah u garto inaan halkaa ka
dambeeyay xaq buu u leeyahay inuu yidhaa waa Kulmiye, dembigana waxa
lagu galaa magaca xisbi-na laguma galo, reerna laguma galo markaa ninkaa
isaga ahi kolkuu caynkaa sameeyay waxa dadka kaga yimaada ha ogaado
waxaasi inay xun yihiin oo aanay wanaagsanayn. C/llaahi Ciro isagoo
dadka u dagaalamaya oo khayr aan ku ogahay jirin oo kolka dadka la
xumaynayo ka dhiidhiya oo ka dagaalama weligay maan maqal manaan arag,
imikana xaaladii uu berigii hore ahaa uun buu ku sugan yahay markaa kaas
isaga halkaa u dhaafi maayo.
Hadaba dalkani maanta waxa uu u baahan yahay nabad gelyo iyo xasilooni
iyo deganaansho waxay taasi u dan tahay cid wal oo Illaahay halkan ku
abuura, nabad gelyadaa ka faqiirka ah iyo ka masuulka ah iyo ka caadiga
ah-ba ee cid waliba u baahan tahay cida ku tacadiyaysaa waa-ayoyaan
dadka xumaha loo garsoorine waxa wadaa waxa waaye maamulka maanta dalka
ka taliya , awood baa la sheegayanaa, tacadiyo yaa la samaynayaa maxay
dhalaam iyagu?
Waxaan leeyahay nabad gelyada iyo xasiloonaanta yaan dadka laga
qaadin. Dadku nidaam iyo wada hadal iyo istixgelin, kala xishood qadarin
buu kala mudan yahay dalka cid gaar ahi ma laha, waxaa hala kala helo ha
isugu yimaado wada jir halagu xalilo wixii mashaakil ah ee dhex yaala,
maxaa mashaakil la dhexdhexaadin maalin walba cid madaxa oo dembi lahayn
ayaa la iska xidhayaa, qaar badan oo beri hore sidaa nagu soo marayna
waa jiraan oo siyaabahaa sameeyay wixii ka dhacana waa tii la ogaa.
Deyr ma waxbuu qarxiyay maalintaa lafteeda ayaa la iska soo qabtay ma
dembi buu galay sow in karaamadiisa lagu ciyaaro oo la dilo maaha.
Dadka inta wanaaga jeceli xumaha dadka lagula kacayo way kicisaa ee
sidaasi wanaag ugu soo hoyan maayo dawlada.
Waxaanu leenahay dadkii xaqsoor buu doonayaa, xaq buu kala mudan
yahay oo waa dad wax wada leh hadaan ku xaq waayo Kulmiyuu aaminsan
yahay oo mabda’iisaasi ayuu ku xaq waayayaa oo kursiga lagu fadhiyo ee
berito inaanu fadhiyi doonin la hub, kuwii horaba weligood inay ku
fadhiyayaan baa la moodayay, waar ninna ku waari maayo , ka dambana ku
waari maayo.
Hadaan ku xaq waayo anigu waxaan aaminsanahay inay tahay ayaan darro.
Nin-baa nin hantidiisii qaatay kolkaasuu ka hor imid kuu ka qaatay
isagoo aqalkiisii ka soo rartay alaabtii toorayna wuu sitaa wuxuu yidhi
waar nabad gelyada ilaali isagoo alaabtiisii sita, waar nabad gelyada ma
ninka aqalkaygii jebiyey ee baadhay ayaa nabad gelyada xumaynaya mise
ninkii soo boobay ,mise ninkii la soo boobay alla maxaa la isku
lu-go’ayaa waar nabad gelyada yaan la jebinin ayaan la xumaynin xaqsoor
hala kala helo, cadaalad hala helo dadku ha isku yimaado oo
mashaakilkiisa wada hadal ha ku xaliyaan laakiin awood sheegasho dadka
lagu muquuniyo waa dhibaato mana ogolaan doono weliba.
Magaca guurtida la yidhaahdo berigii hore ayuu jiri jiray,
xildhibaanaduna way jireen nooc bay ahaayeen oo waxan ay cid waliba iska
gashatay may hayn, ninka guurida ahi axsaabta ma kala raaco wixii
dhacaba isagu dhex inuu ahaado weeyey laakiin qolada maanta meesha
fadhidaa ee tidhi afar{4}sanadood baanu is dooranay oo caalamka meel
lagaga arkay jirin maantana uu wanaag ka talinaynaa oo sidaasaanu
go’ynay wax alaaliyo wax ka jira iyo wax ka jiri doona ma jirto, dadkii
bay iska hor keeneen oo isku dilayaan waxna way sheeganayaan. waxaanu
leenahay kolkii horaba adiga qalad ku fadhiyay oo qudhun baad ku
fadhideen oo guurti dadka u dhexeeyana ma tihiin nin meel laga leeyahay
oo la soo amraad tahay , alaylehe isaga iyo dadka-ba waad lugoynaysaan
alaylehe kuwaas iyo nacamlayaashooda iyo isaga-ba waad baabiiseen oo
dalkaa la kharibayaa.
Xildhibaan Cali Mareexaan Oo La Kulmay MP George Galloway |
London UK, April 14, 2008 (Haatuf) – Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali
Mareexaan) oo uu weheliyey Suldan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur Cali ayaa
khamiistii 10/04/08 kula kulmay Bariga Magaalada london ee Caasimada UK
Mudanaha Caanka ka ah Aduunka oo dhan aadkana looga yaqaan ee MP George
Galloway ee laga soo doorto Xaafadaha Tower Hamlets (London Borough) ee
Bariga London UK.
Mudane Galloway waxa uu ka mid yahay ragga dunida caanka ka ah ee u
doodda dadka Muslimka ah ee dunida, isla markaana ka soo horjeedsaday
dagaalkii reer Galbeedku ku qaadeen Ciraaq, kaas oo uu si weyn uga
horyimid xukuumaddii Tony Blair ee talada dalka UK haysay wakhtigii
Ciraaq lagu qaaday weerarka.
Kulankaas oo saacad qaatay waxaa mudane Cali Marexaan uu aad ugu
faahfaahiyey Mudane George Galloway Xaalada Somaliland iyo Marxaladihii
kala duwanaa ay soo Martay.
Waxaana xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Marexaan) ka mid ahaa
hadaladisii oo yidhi: “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxasanay in aan maanta
la kulano mudane George Galloway oo aanu ognahay in laga soo doorto
Xafadaha ay aadka u degan yihiin Dadweynaha Somaliland UK gaar ahaan
bariga London Isagoo aad looga yaqaan kana caana Aduunyada oo dhan, gaar
ahaana Wadamada Islaamka.
'Mudane Xildhibaan Cali Xasan Maxamed ( Cali Marexaan) waxaa uu sheegay
inaanu mudane George Galloway ahayn oo qudha Mudane xaafadan aynu maanta
joogno iyo ingiriiska oo keliya balse ayuu yidhi uu sidoo kale mudane u
yahay dunida islaamka iyo weliba dadyawga addunyada ku dhibaataysan oo
codkiisa aad ugu nefisa, una og sida aad u taageerto mar kasta.
Waxaan ka mid ahay ayuu yidhi Mudane Cali Marexaan aniga laftaydu dadka
afkaartaada aadka u jecel Mudane, waxaana aan kaaga mahad celinayaa
halganka aad ugu jirto difaaca qadiyadaha dadka dhibaataysan ee gaar
ahaan dadyowga muslimka ah.
Intaa ka dibna Xildhibaan Cali Mareexan waxaa uu kala hadlay mudanaha
Qadiyada Somaliland isagoo u sharaxay halka uu ay imika marayso
Somaliland waxaanu ka codsaday Mudane George Galloway in uu ku biiro
mudanayaasha saaxiibadiisa ah ee Qadiyada Somaliland u ololeeya ee uu
gudoomiyaha u yahay MP Allun micheal.
Waxaana uu xildhibaanku u sheegay mudanaha in dadka Somalida ah ee degan
Xaafadani ay 99% ay yihiin dad ka soo jeeda Asal ahaan Somaliland sidaa
darteed waxaa keliya ee ay kaa Codsanayaana ay tahay in aad Qadiyada
Somaliland safka hore kaga dartid Qadiyadaha aad u halgamaysid.
Waxa kale oo Xildhibaan Cali Marexaan ka codsaday wakiilada Jaaliyadaha
East London oo shirkaa ka qaybgalay in ay markasta isgarabtaagaan mudane
George Galloway oo ay codkoodana siiyaan.
Intaa kadib waxaa hadlay mudane George galloway oo sheegay in uu ku
faraxsan yahay sida fiican ee Xafladan loogu soo dhaweeyey, isagoo aad
uga mahadceliyey, sheegayna inuu ku faraxsanyahay inuu la kulmo.
Mudanuhu isagoo daba socda difaaca Qadiyadaha Islaamka oo looga mahad
celiyey wuxuu kelmad af-carabi ah ku yidhi ' laa Shukra Calal Wajib'. Ha
iiga mahadcelin wax waajibka ah.
Waxa uu mudanuhu sheegay in iminka uu aad u fahansan yahay Qadiyada
Somaliland iyo Somalia, waxaanu ku taliyey Somalida lafteeda inay xal ka
gadhaan waxna isu ogoladaan, idinkuna xagiina inaad ka ololaysaan.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur Cali oo ka
mid ah Salaadiinta Waawayn ee Somaliland, ahaana Suldaankii kala
qaybgalay Xildhibaan Cali Marexaan Xafaladaa qiimaha lahayd ee lagula
kulmay MP George Galloway waxuuna sheegay inay ku midaysanyihiin Dadka
Somaliland Qadiyada ka midhadhalinta iyo Horumarka Somaliland.
Suldaanku wuxuu aad u amaanay Mudane George Galloway isagoo ku tilmaamay
halyey geesi ah oo lawada ogsoonyahay.
Waxaanuu u rajeeyey in uu noqdo Xildhibaan George Galloway Ra'iisal
Wasaaraha Ingiriiska ee Mustaqbalka soo socda.
Xafladaas ayaa ahayd mid aad u qiimo badan oo ay ka soo qayb galeen
Jaaliyada Somaliland ee Bariga Magaalada London oo ah halka laga soo
doorto Xildhibaan George Galloway, waxaanay ku dhamaatay si aad u
heersareysa oo dhamaan dadkii halkaa isugu yimi ay la dhaceen ,
ujeedadii laga lahaa ay fushay.
Qore: Aadan Yuusuf Cilmi UK. Freelance Journalist
“Heshiiska Komishanka Iyo Sadexda Xisbi Waa Qayrul Distoori, Kumana Sii
Adkaysan Karo Jaangooyada Sharci Darada Ah”
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Guurtida |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Shirgudoonka golaha guurtida ayaa
go’aanka ay komishanka iyo saddexda xisbi iskula qaateen cayimaada
doorashooyinka goloyaasha deegaanka iyo madaxtooyada ku tilmaamay mid
qayrul distooriya oo dalka lagu mijo xaabinayey, iyagoo sidoo kalena
sharci daro ku tilmaamay go’aanka ay komishanku ku difaaceen heshiiska
ay la galeen asxaabta iyagoo goluhuna ku tilmaamay in go’aankii ay
mudada xilka Madaxweyne Riyaale iyo Madaxweyne ku-xigeenka 11kii April
2008 ugu kordhiyeen mudada sanadka ah mid distooriya komishankuna aanu
muran galin karin.
Sidaana waxaa lagu sheegay fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu
gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad md sheikh ahmed sheikh nuux,
khudbad uu madasha fadhiga ka jeediyey.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha guurtida siciid Jaamac cali oo ka
hadlay arinkaana waxa uu yidhi “mudaneyaal waxaa jirta muran iyo eedaymo
badan oo kasoo yeedhay dhinacyada asxaabta mucaaridka iyo komishanka
doorashooyinka go’aankii goluhu gaadhay oo laga dooday in aanu aheyn mid
sharciya balse distooriyan qoladii komishanku waxay soo saareen
warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in aaney dib uga noqonayn sababihii iyo
jaangooyadii ay doorashooyinka iskula goosteen asxaabta waana nasiib
daro komishanku waa hayad distooriya oo lagu abuuray sharci waxaa lagu
dhaariyey inay hawlaheedau ku dhacaan Distoorka iyo shuruucda kale ee
dalka inay asxaabta tartamaya dhex u ahaadaan cadaaladna ku shaqeeyaan
kuna dhaqmaan distoorka waa nasiib daro inay maanta ku adkeystaan go,aan
aan distoorka waafaqsanayngaashaankana ku dhuftaan kii Distooriga ahaa
Komishanka iyo asxaabtu midna xaq uma laha inay cayimaan ama kordhiyaan
marka ay dhamaato muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka
waxaad la socotaan inay xaflad u qabanayeen.
Muddada Madaxweynaha iyo kuxigeenkuwaxay ku egtahay 16 May 2008 way
kordhiyeen oo waxay gaadhsiiyeen 31ka Disember 2008 awoodee ayey ku
kordhiyeen Distoorka iyo sharciga meel ay kaga taalo ma jirto waana arin
ay u midoobeen asxaabta siyaasada iyo Komishanka Doorashooyinka ay u
kala cayimeen 6da Oktoobar iyo 31ka August 2008,may kala cadaynin sida
ay doorashooyinku u kala horeeyaan ama ay u kala qabsoomayaan midna may
sheegit taasina waa nasiib daro xilkii iyo waajibaadkii ay lahaayeen
Komishanku oo ay gabeen .
Qodobka 8aad ee Xeerka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo
Madaxtooyada ee Xeer Lr20-2001 waxa uu qeexayaa Komishanka ayaa cayimaya
xilliga la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Distoorka markaa waa taa
Doorashada 6da Oktoober ama 31ka Desembar dhacaysaa mata Madaxweynaha
mise waa ta golaha Deegaanka.
BBC dana waxay ka yidhaahdeen anaga nama khuseyso kala Magacaabida
Doorashooyinku oo waa arin Siyaasiya ,maxay u xilsaaran yihiin iyagu
haddey kala cayimi waayeen Doorashooyinku siday u kala dhacayeen
Distoorku wuu sheegayaa goorta ay Doorashada Golaha Wakiiladu dhacayso
oo ah bil ka hor xilliga ay dhamaanayso muddada xilkooda Doorashada
Madaxweynaha iyo kuxgeenkuna Distoorku waxa uu tilmaamay bil ka hor
muddada xilkooda iyadoo aanay kordhin cidii sharciyada u lahayd
korodhsiimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenkana ayaa waxay
cayimeen Doorashadii Madaxtooyada taasina waa arin qayrul Distooriya .waana
arrin aanu u aragno inuu ahaa mu’aamaraad iyo shurqool fashilmay oo loo
shawiray oo ay dalka ku minjo-xaabinayeen iyaga iyo axsaabtu maxaa
yeelay waa arrin lagu doonayay wax la yidhaado kicin ii dalku inuu mudo
khalkhal oo la lahaa anaga ayaa doorashada dib u dhignay muddada xilka
maalin lagu dari maayo wuu soo dhaafayaa dawlad wadaaga ayaa la dhisayaa
oo golaha guurtida ayaa xilka qabanaya, dalku wuxuu leeyahay distoor 130
qodob iyo xeerar laga soo dheegay oo lagaga dhaqmo dalku kuma socdo
conses sharcigana conses laguma badelo, sharcigii dalka u yaallay
ayaanau conses ku badaleen.
Komishankii qaanuuniga ahaa ee markay baal mareen shuruucdii iyo
distoorkii ay ku maamuli lahaayeen xilka iyo waajibaadkii loo igmaday
intay meel iska dhigeen ay yidhaahdeen talo wadaag iyo cid buu kala
tashanayay cida ugu horaysa cida ugu horaysa ee ay kala tashan lahayeena
waa golaha guurtidas marka ay guurtidu xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne
ku xigeenka ay kordhiso ayay komishankuna muddada doorashada ay
cayimayaan waxaana qeexaya qodobka 83 xubintiisa 2aad , waxaanu leenahay
muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee golaha guurtidu u
adeegsaday qodobka 83 farqadiisa 6aad ayaa sharciya waajibna ay ku yahay
inay ku dhaqmaan komishanku wax gorgortan iyo wada hadal geli karana
maaha, u dhaqankiisuna wa go’aanka ay golaha guurtidu ka soo saaro muddo
kordhinta xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka “.
Md Axmed Muuse Obsiiye oo isaguna doodiisa ka dhiibtay ayaa yidhi ‘ma
jirto meel ay distoorka kaga taalo awood ay muddo kordhin ku samayn
karaan , axsaabta mucaaridka xeer Lr 20 qodobkiisa 14aad waxa uu
sheegayaa awoodaha komishanka doorashooyinka, waxan qabaa anigu oo aan
soo jeedinayaa in komishanku ku gafay sharciga sidaa darteedna goluhu u
yeedho lagalana xisaabtamo gafka ay sharciga ku sameeyeen komishanka
doorashooyinku si muranka iyo jaahwareerka dadweynha looga saarowaa in
komisahnka goluhu u yeedho,” ayuu yidhi mudane Obsiiye isaga oo soo
jeedintaana goluhu ku taageeray.
Qarax Mar Kale Xalay Ka Dhacay Xaafadda Shacabka Ee Magaalada Hargeysa |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Qarax si weyn looga dareemay inta
badan xaafaddaha magaalada Hargeysa ayaa caweysinkii xalay ka dhacay
dooxa magaalada Hargeysa, gaar ahaan meel boqol iyo dhawr tallaabo
waqooyi ka xigta Taliska Ciidanka Bileyska.
Qaraxan ayaa la sheegin cid wax ku noqotay iyo khasaare kale oo uu
geystayba, waxaanay Bileyska oo halkaas ka ag dhowaa ay sheegeen in
qaraxan uu ka dhacay meel qashin qub ah oo aanay cidi deganayn.
Taliyaha Bileyska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu khadka
telefoonka ku xidhiidhnay ayaa si qab darran noogu jawaabay “Ha
weydiinnina annaga”.
Hase yeeshee wasiirka Daakhiliga oo aanu isagana khadka telefoonka kula
xidhiidhnay ayaa noo sheegay in qaraxaasi ka dhacay meel dooxa ah oo u
dhow Dugsiga Faarax Oomaar. Balse wasiirku wuu ka gaabsaday tafaasiil
intaa dheer inuu ka bixiyo qaraxaas.
Waa qaraxii afraad muddo laba toddobaad gudahood ah ee ka dhaca
magaalada Hargeysa, iyadoo qaraxyadaas aanay jirin cid haba yaraatee
waxyeelo ka soo gaadhay.
Xukuumadda Somaliland ayaa qaraxan kii ka horeeyay oo ka dhacay
Arbacadii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida ku eedaysay xisbiga KULMIYE,
isla markaana waxay xabsiga u taxaabtay masuuliyiin ka tirsan xisbigaas
iyo mujaahidiin ka tirsanaa ururkii SNM, waxaana ka mid ah masuuliyiinta
ay xukuumaddu qaraxaas u xidhay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka
Hargeysa, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) oo ilaa hadda aan
maxkamad la geyn kuna xidhan xarunta CID. Xisbiga KULMIYE ayaa isagu
dhawr jeer si kulul eedaas u beeniyay isla markaana ku eedeeyay
Madaxweyne Riyaale iyo wasiiradiisu inay iyagu ka dambeeyeen qaraxaas.
Qaraxyadan oo ilaa 2007 ka dhacayay magaalada Hargeysa, ayaanay
Xukuumadda ilaa hadda raad cad u hayn cidda ka dambaysa, iyadoo ay
taasina shaki badan dadka ku abuurtay.
Dhinaca kale Ciidamo lagu qiyaasay inay yihiin hal Guuto oo ka tirsan
ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugnaa gobolada Bariga Somaliland,
isla markaana wata gaadiidka teknikada loo yaqaan ayaa shalay casarkii
ka soo gudubtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyagoo u soo
jeeda dhinaca caasimadda dalka ee Hargeysa.
Sida ay sheegeen warar laga helay ilo xog-ogaal ah, ciidanka ayaa waxa
ujeedada loogu soo qaaday dhinaca Hargeysa ay tahay si ay uga
qayb-qaataan sugidda nabadgelyada caasimadda iyadoo aanay jirin
ammaandaro ka jirta caasimadda dalka oo ka awood badan ciidamada
Bileyska ee ammaanka u xilsaaran.
Ciidamadan Qaranka oo watay 17 gawaadhida teknikada ah ayaa wararku
sheegayaan in xalay qayb ka mid ahi u hoyatay magaalada Sheekh, halka ay
intii kalena u soo gudubtay dhinaca Hargeysa oo ay xalay soo dhaafeen
magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ma jiraan warar ka soo baxay dhinaca Xukuumadda oo la xidhiidha
ammaan-darrada iyo cabsida keentay in ciidamada milateriga dib loogu soo
daadgureeyo caasimadda dalka ee Hargeysa.
Habeen hore ayay ahayd markii xaafadaha magaalada iyo jidadka waaweyn ee
caasimadda lagu arkay ciidamo milateri ah oo la soo dhoobay, kuwaas oo
la sheegay in qaar ka mid ah laga keenay dhinaca gobolka Awdal, iyadoo
ay ilaa xalay xaafadaha Hargeysa qaarkood ay ciidamadaasi
gaaf-wareegayeen.
Xukuumadda Riyaale oo muddadii xilka loo doortay ku egtahay 15 May ee
sannadkan, ayaa khamiistii ina dhaaftay waxay golaha Guurtidu hal sanno
ugu kordhiyeen muddada ay xilka sii haynayso, taas oo ay xisbiyada
mucaaridka iyo dadweynaha Somaliland si adag ugu gacan saydheen
muddo-kordhinta, iyadoo labada xisbi mucaarid go’aan ku gaadheen inaanay
Madaxweyne u aqoonsan doonin Riyaale marka la gaadho 15 May 2008 ee uu
xilkii loo doortay ku egyahay.
“Waxaanu Cambaareynaynaa Xadhiga Qayrul Sharciga Ah Ee Gudoomiyaha
KULMIYE Ee Gobolka Hargeysa” |
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyeyaasha degmooyinka Koodbuur
iyo 26 June ee xisbiga KULMIYE ayaa cambaareeyey falka qafaalashada
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa ay kula kacday
xukuumada Riyaale, kaas oo ay ku tilmaamen in uu yahay mid qayral sharci
ah isla markaana aaney cadayn sababaha loo xidhay iyo danbiyo lagu soo
eedeeyey toona.
Sidaana waxa ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen shalay oo ay
ku saxeexan yihiin labada gudoomiye ee Koodbuur, Cabdirashiid Haybe
Cabdillaahi iyo 26 June Maxamed Siciid Saleebaan, kaas oo u qornaa sidan:
“Anaga oo ku hadleyna afka taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka
ibraahin koodbuur iyo 26ka jure waxa aanu aad iyo aad uga xunnahay
xadhiga qayrul sharciga ah ee lagula kacay guddoomiyihii xisbiga ee
gobolka Hargeysa oo aanu u aragno in uu yahay qafaalasho lagula kacay
muwaadinkaas xilka u haya xisbiga qaran, iyada oo aan loo soo marin haba
yaraatee maxkamad sharci ah, isla markaana aanay cadayen sababta iyo
dambiya lagu soo eedeeyay ee lagu xidhay.
Waxa wax lala yaabo ah in ay xukuumada Daahir Riyaale kaahin caado ka
dhigatey ku timashada xuquuqda muwaadiniinta iyo iska indho tirka
sharciga uyaala Somaliland, iyadoo dhamaanteen waayo arag u wada nahay
natiijada nidaam kasta oo ka horyimaada sharciga iyo caddaalada oo ay
tusaale fiican ugu filan tahay Daahir Riyaale kaahin meeshii uu ku
danbeeyay macalinkiisii uu ka soo aflaxay ee Maxamed Siyaad Barre iyo
nidaankii uu ku soo barbaaray.
Ugu danbeyntii waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland, golaha
baarlamaanka ee la soo doortey iyo dhamaan hay,adaha xuquuqda iyo
sharciga ee ka madax-bannaan nidaamka qafaashey Gudoomiyaha xisbiga
KULMIYE ee gobolka Hargeysa in ay u guntadaan sidii qafaalashada looga
soo furan lahaa guddoomiyaha xisbiga ee gobolka oo aynu ognahay in uu
xambaarsan yahay oo mettello codka taageerayaasha xisbiga ee gobolka
Hargeysa oo ka badan 100,000 boqol kun oo qof.”
Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Dalka Oo Xaaladda Dalka Ku
Tilmaamay Mid Xasaasiya |
“Maxamed Kaahin Waa Hormuudka Labeenta Ummadda, Xadhig Kasta Oo Lagula
Kacaana Wuxuu Keeni doonaa Natiijo Aan La Mahadin”.
Hargeysa, April 14, 2008 (Haatuf) – Xubno ka tirsan ardayda Jaamacadaha
kala duwan ee dalka ayaa markii u horreysay ka hadlay xaaladda uu dalku
ku sugan yahay. Xubnahan oo ka koobnaa ardayda jaamacadaha UOH, Admas
iyo IHU, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hutel Imperial ee
caasimadda Hargeysa kaga warramay arrimaha doorshooyinka,
muddo-kordhinta golaha guurtida iyo xadhigga siyaasiyiinta iyo waayeelka.
Ugu horreyn Maxamed Saleebaan Cumar oo ka tirsan ardayda Jaamacadda
Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa tibaax ka bixiyay sumcad xumada soo
waajahday dalka, isaga oo golaha guurtidana ku canaantay in ay
gobonimadii gows dhaafsadeen. “Deggaanaansho-la’aan siyaasadeed iyo
qaylo-dhaan dhiillo xanbaarsan oo sii siyaadaysa ayaa dalka ka jirta,
Madax-weyne Rayaale iyo golihiisa Guurtiduna waxay ku gefeen sharafkii
iyo karaamadii ummadda” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan. Isaga oo
hadalkiisa sii wata Maxamed waxa uu yidhi: “Ummadda waxa dan u ah
nabad-galyada, sidaas oo ay tahayna mar walba waxaan carrabka ku
adkaynayaa in la isku-soo-dhawaado, oo gaar ahaan madax-weynuhu doorkan
tanaasulo, maxaa yeelay, lixdii sanno ee uu dalka taladiisa hayay mar
walba waxbuu iska qabsanayay kuna dhegayay, aakhirkana halka uu qabsado
ayaa loo goynayay”.
Maxamed Saleebaan waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in loo
hoggaansanaado sharciga iyo kala danbaynta ummadda. Waxa uu xusay in
aanu dalku ku dhisnayn xeer-jajab (la jiifiyaana bannaan la joojiyaana
bannaan), laakiin loo baahan yahay in aan lagu gefin heybadda iyo
karaamada ummadda. Mar uu ka hadlayay xadhiga siyaasiyiinta qaarkood oo
maalmahan danbe dawladdu ku dheeraynaysay waxa uu yidhi: “Xadhig!, hore
ayaa dad loo xidh-xidhayoo wax aan magac-xumo ahayn ciddii xidhay kamay
helin, illaa xalay waxaan maqlayay Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa C.I.D-du
doon-doonaysay, Maxamed Kaahin ka uu yahay cidna maanta loo sheegi maayo,
hadday cidi mudan tahay isaga ayaa Qaranka u mudan, waxaan leeyahay;
Maxamed Kaahin waa hormuudka labeenta ummadda, xadhig kasta oo lagula
kacaana wuxuu keeni doonaa natiijo aan la mahadin, cidda waxbaanu
xidhaynaa laheey, ilmaadeerayaal ka fiirsada intaydaan falin”.
Waxa kale oo halkaas hadal kooban ka jeediyay C/naasir Cawed Muuse oo ka
tirsan ardayda jaamacadda Admas, isaga oo ku nuux-nuuxsaday sida ay lama
huraanka u tahay in la isugu yimaaddo miiska wada hadalka. Waxa uu C/naasir
sheegay in ay bulshadu maanta walwalsan tahay, sidaas oo ay tahayna ay
habboon tahay in cidda taladu ka go’daa danta guud xeeriyaan.
Geba-gebadii shirkaas jaraa’id waxa ka hadlay Jaamac Ismaaciil Nuur oo
ah guddoomiyaha ururka ardayda jaamacadda IHU. Jaamac waxa uu tilmaamay
in hadalkooda maanta ay keentay xaaladda aan wanaagsanayn ee dalku ku
sugan yahay, isaga oo ku taliyay in danta guud mar walba qaddarinta la
siiyo. Top
|