Dib-U- Gurashada Geedi-Socodkii Dimoqraadiyada
Somaliland.
Qalinka: Cabdirisaaq Caqli
“Muddo-Kordhinta Qayrul Dastuuriga Ah Ee Ay Guurtidu Ku
Dhawaaqday Waxay Dhaawacaysaa Geedi-Socodka Dimuqraadiyadda Curdinka Ah Ee
Somaliland”
Urur-siyaasadeedka QARAN
Riyaale Muxuu Ugu Abaalguday Beelaha
Dhexe Ee Somaliland, Codkoodiina Siiyey Doorashadii Madaxweynaha Ka Dhigtay?
“Waxaan Xaal Ka Bixinayaa Hadalkii
Yaq-Yaqsiga Lahaa Ee Siciid Sulub”
Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan
Kulan London Ku Dhexmaray Wakiilka
Xukuumadda Riyaale U Jooga UK, Lord Avebury Iyo Madaxda Ururo Reer
Somaliland Ah
Ashcari Muwaadin Dadkiisa Iyo Dalkiisa
Horumar La Jecel Buu Ahaa
Soomaali Laga Qabqabtay Norway Oo La
Filayo In Khamiista Berbera Tahriib Lagaga Soo Dejiyo
Maraakiib Iyo Diyaarado Maraykan Ah Oo
Idaacadda BBC-du Sheegtay Oo Aanay Dadka Reer Berbera Arag
MP Alun Micheal Oo KULMIYE Ku
Hambalyeey Qabashadii Shirweynihii 2aad Ee Xisbigaas
TV-ga Madaxtooyada Iyo Idaacadda
Hargeysa Oo Faafiyay War Been Ah
Cuqaasha Beesha Bali-Gubadle Oo
Guurtida Ugu Baaqay Inay Ka Noqdaan Muddo Kordhinta Riyaale
Riyaale: Hogaamiye Lagu Hungoobay
Garabyada Haweenka Xisbiyada
Mucaaradka Ee UCID Iyo KULMIYE Oo Cambaareeyey Go’aanka Guurtida Ee Muddo
Kordhinta
|
|
Dib-U- Gurashada Geedi-Socodkii
Dimoqraadiyada Somaliland.
Qalinka: Cabdirisaaq Caqli |
Dalalka dimoqraadiyadu ka jirto, waxay caan ku yihiin dadweynaha oo yeesha
awooda ay ku dooranayaan madaxda hogaaminaysa dalalkaasi. Waxaana ka
muuqda xisbiyo dalalkaasi ka dhex tartamaya oo kolba xisbiga hela
codadka ugu badan ee dadweynuhu ku guuleysto hanashada talada dalkaasi,
tiiyoo xisbiyadu u tartamayaan helitaanka codadka dadwaynaha xilliga
doorashada.
Geedi-socodka Dimoqraadiyada Somaliland wuxuu soo maray hayaan dheer oo
carqalado badan. Waxayna dadweynaha Somaliland mudadaasi muujiyeen sida
ay uga go’antahay inay dhisaan dal ay dadweynuhu dooranayaan madaxdooda.
Bishii May ee sannadkii 2001 ayey dadweynaha Somaliland u codeeyeen,
ogolaadeenna dhaqangalka distoorka Somaliland. Kadibna, 14kii bishii
November ee sannadkii 2001, ayaa la sameeyey xeerka nidaamka axsaabta oo
qeexay qaabka axsaabtu u abuurmi karto, qotomiyeyna gundhigii sharcinimo
ee Gudida doorashooyinka Qaranka. Waxaa taasi xigey in 18kii bishii
December ee sannadkii 2001 la sameeyay Gudida Doorashooyinka Qaranka.
15kii bishii December ee sannadkii 2002 ayey qabsoontay doorashadii
deegaanada, ka dib markii ay ka soo gudubtay dib u hakinno wejiyo badan.
Waxaa taasi xigey in 14kii bishii Abril ee sannadkii 2003 ay hirgashay
doorashadii madaxtooyada Somaliland. Ugu danbayn waxaa la qabtay
doorashadii Golaha Wakiilada 29kii bishii Sebtember ee sannadkii 2005,
kadib markii ay ka soo gudubtay xanibaadyo badan oo lagu carqaladaynayo.
Waxay dadweynaha Somaliland filayeen in hayaankaasi dheer sii amboqaado,
lana qabto doorashada guurtida sannadka 2006. Taasi oo dhammaystiri
lahayd geedi-socodkii dimoqraadiyada ee ay dadweynaha Somaliland
higsanayeen. Hase ahaatee waxaa bilaabmay carqalado hor leh oo liddi ku
ah geedi-socodka dimoqraadiyada Somaliland, hakiyeyna doorashooyinkii
dalka ka socday. Taasoo Golihii Guurtida loo kordhiyey mudadii xilka loo
igmaday, halkii laga soo dooran lahaa Gole Guurti oo cusub.
Waxaa taasi xigey in doorashadii deegaanada oo la filayey inay qabsoonto
bishii December ee sannadkii 2007 aanay qabsoomin. Sidoo kale
doorashadii madaxtooyada oo la filayey 14ka bisha Abril ee sannadkan
ayaan suurtogelin.
Saddexdaasi doorasho ee suurtogeliwaayey (Guurti, Deegaan, Madaxtooyo),
lana qaban waayey xilligii loogu talo galay, waxay si cadaan ah oo marag
ma doon ah inoogu qeexayaan inay xukuumadu ka cago-jiidayso hirgelinta
doorashooyinka. Waayo xukuumada, oo gacanta ku haysa awoodii Golaha
Fulinta oo idil ayaa lahayd masuuliyada hirgelinta doorashooyinkaasi
xilligii loogu talogalay. Waxay arrintaasi abuurtay iska horimaadyo
xoogagga siyaasadeed ee dalka. Halka ay xukuumada iyo Golaha Guurtidu
noqdeen kuwo taageersan muddo kordhintaasi, waxay Gudida Doorashooyinka
Qaranka iyo xisbiyada mucaaridka ahi ku adkaysteen in la dhawro jadwal
maalmeedka qorshaha doorashooyinka, laguna socdo. Waxaa aragtidaasi
danbe sii taageeray deeq bixiyayaashii maalgelinayey doorashada.
Doorashada Guurtidu waxay ahayd inay sannad keliya ka danbayso
doorashadii Golaha Wakiilada, hadii la raacayo xeerarka dalka u degsan.
Waxayna ahayd in la qabto doorasho sannadka 2006 hadii la doonayo in la
hirgeliyo sharciyada dalka u degsan. Waxaase muuqda inaanay qorshahaba
ugu jirin xukuumada loo igmaday arrinkani, oo aanu ka muuqan
miisaaniyadii 2006 hawlgal doorasho Guurti loogu talogalay.
Goleyaasha Deegaanada waxaa la doortay bishii December ee sannadkii 2002
muddo shan sano ah oo keliya. Waxayna ahayd in doorashada la qabto ka
hor intaanay mudadu ka dhamaanin; waa hadii la doonayo in doorasho la
hirgeliyo. Golayaasha deegaanadu waxay xilka ku heleen cod dadweyne.
Waxaana xilka u kordhin kara uun cod dadweyne iyo doorasho. Waxaase
meesha ka muuqda cago-jiid u baahan in la lafoguro sababaha kelifay.
Madaxweynha iyo ku xigeenkiisa waxaa la doortay 14kii bishii Abril ee
sannadkii 2003 muddo shan sano oo keliya. Waana xil lagu kasbaday codka
dadweynaha, laguna kordhin karo uun codka dadweynaha. Waxaana la
gudboonaa xukuumada inay samayso qorshihii arrinkaasi ku hirgeli lahaa,
doorashaduna ku qabsoomi lahayd xilligii loogu talo galay.
Waxaa hadaba isweydiin mudan, talow maxaa ku kellifay xukuumada inay
jidh-diido doorashooyinka, oo ay ka doorbido muddo kordhin? Waase goorma
xilliga ay arrintan cusub ee lidiga ku ah geedi-socodkii dimoqraadiyadu
bilaabantay?
Doorashadii Golaha Wakiilada ee qabsoontay 29kii bishii Sebtember ee
sannadkii 2005 waxaa ka muuqday isbedel hor leh oo ku saabsan codaynta
dadweynaha. Marka doorashadani la garab dhigo doorashadii madaxtooyada
waxaa muuqda in xisbiga UDUB lumiyey taageero badan codadka guud ahaan,
gaar ahaan gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, hase ahaatee uu
korodhsaday taageerada codadka gobolka Awdal. Halkii uu xisbiga UDUB ka
helay 42. 2% ee codadka dadweynaha doorashadii madaxtooyada ee sanadkii
2003, wuxuu helay xisbiga UDUB 39% codadkii dadweynaha ee doorashadii
Golaha Wakiilada. Waxaana muuqda in xisbiga UCID uu muujiyey horumar la
yaab leh oo ay taageeradiisu aad u korodhay. Halka uu xisbiga UCID helay
16% ee codadkii dadweynha ee doorashadii madaxtooyada, wuxuu helay 27%
ee codadkii dadweynha ee doorashadii Golaha Wakiilada.
Inkastoo xisbiga UDUB uu helay 33 kursi oo ah tirada xisbi ahaan ugu
badan, hadana waxaa soo ifbaxay in labada xisbi ee mucaaridka ay isku
heleen 49 kursi. Taasina waxay meesha ka saartay awoodii uu xisbiga UDUB
keligii gacanta ku haystay ilaa iyo doorashadii Golaha Deegaanada.
Waxaana labada xisbi ee mucaaridka ah u suurtogalay inay gacanta ku
dhigaan aqlabiyada xildhibaanada iyo shirgudoonka Golaha Wakiilada.
Waxay doorashadani si cadaan ah u muujisay in hadii la qabto doorashada
Guurtida ay suurtogal tahay in arrin taasi la mid ahi ay dhici karto.
Doorashada Guurtiduna ay hubaal ka dhigayso in xisbiga UDUB luminayo
awoodii uu ku lahaa Golaha Guurtida dhexdiisa, oo uu noqonayo Gole kale
oo uu mucaaridku ka taliyo. Sidaasi awgeed ayey xukuumada ugu muuqatay
inaanay dani ugu jirin doorasho Gole Guurti oo la qabto.
Sidoo kale hadii la qabto doorasho Golayaasha Deegaanada waxaa hubaal ah
in xisbiga UDUB uu lumin doono awooda uu haatan ku haysto Deegaanada
degmooyinka dalka oo idil. Waana mid muuqata, inay suurtogal tahay in
badi Golayaasha Deegaanada dalka ay ka talin doonaan xisbiyada
mucaaridka ahi hadii doorasho Gole Deegaan la qabto. Waxayna xukuumada
ugu muuqataa inaanay danteeda ahayn doorasho la qabtaa.
Arrintaasi ay jidh-diiday xukuumada Somaliland, ee ku kelliftay inay
doorashooyinka hakiso, waa mid ay dalalka ku caan baxay dimoqraadiyadu
ku tilmaamaan arrin fayow oo caafimaad qabta, hadii la doonayo
dimoqraadiyad lagu qaybiniyo awoodaha dalku leeyahay, laguna hor
joogsanayo in awoodaha oo idili gacan keliya ku soo ururaan. Hase
ahaatee waa mid uu dhibsan karo qof kasta oo doonaya awood urursi iyo
kelitalisnimo.
Intaasi ka sokow, kama muuqdo hogaanka xisbiga UDUB diyaargarow doorasho
iyo saansaanteeduba. Halka ay labada xisbi ee mucaaridka ahi ay ka
qabteen Shirweynihii xisbiyadooda, iskuna diyaariyeen doorasho, weli
ilaa maantadani wax Shirweyne ah oo uu xisbiga UDUB qabtay muddo ka
badan shan sano ma jiro. Taasi oo xataa shaki gelinaysa sharcinimadiisa.
Waana arrin jahowareer iyo kalsooni darro ku abuurtay dad badan oo hore
u taageeri jiray xisbiga.
Ugu danbayn, waxaa xusid mudan in aynu daymo gaar ah siino mudadii
shanta sano ahayd ee ay xisbiyada Qaranku jireen. Halka uu xisbiga UDUB
ku soo barbaaray kuna soo kobcay dhaqaalaha hantidii Qaranka, waxay
xisbiyada mucaaridka ahi ku soo barbaareen, kuna soo kobceen maalgashiga
xubnahooda iyo taageerayaashooda. Maalgashigaasi oo iskugu jira dhaqaale
loogu deeqay, waqti badan oo xubnuhu u hureen hawlaha xisbiyadooda iyo
aqoon iyo maskax lagu soo biiriyey. Halka ay xubnihii UDUB (gaar ahaan
inta u dhow hogaanka xisbiga iyo ilihiisa dhaqaale) noqdeen kuwo u
tartamaya siday u kala badsan lahaayeen hantidii Qaranka, korodhsadeena
xeeladaha raaligelinta iyo u dhowaanshaha madaxda ee abuura
kelitalisnimada, waxay xubnihii xisbiyada mucaaridku korodhsadeen
waayo-aragnimada doodaha dimoqraadiga ah ee xisbiga dhexdiisa,
wadatashiga iyo isku-tanaasulka.
“Muddo-Kordhinta Qayrul Dastuuriga Ah Ee Ay Guurtidu Ku Dhawaaqday
Waxay Dhaawacaysaa Geedi-Socodka Dimuqraadiyadda Curdinka Ah Ee
Somaliland”
Urur-siyaasadeedka QARAN |
Hargeysa, April 16, 2008 (Haatuf) – Madaxda sare ee Urur Siyaasadeedka
QARAN ayaa go’aankii Guurtida ku tilmaamay mid qayrul sharci ah, oo
dhaawac weyn u geysanaya geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland,
islamarkaana wiiqaya nidaamka midnimada iyo wada jirka bulshada reer
Somaliland, waxaanu ururka Qaran soo jeediyey in loo hogaasamo shuruucda
iyo dastuurka dalka, islamarkaana ay waajib tahay in lalaalo muddo
kordhinta ay guurtidu samaysay, lana qaato soo jeedinta komishanka
qaranka.
Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen
xafiiskooda ee magaalada Hargeysa.
Shirkaasi jaraa’id ayaa waxaa warqad qoraala ka akhriyey xoghayaha
warfaafinta ee ururka Qaran, Eng. Maxamed Jaamac Axmed, waxaanu u qornaa
sidatan: “Waxay noola muuqatay inay waajib tahay in laga hadlo xaalada
iyo duruufaha dalku maanta ku sugan yahay oo aan laga aamusi Karin,Waxay
ummadduhu xeerarka iyo dastuurada u samaystaan si loo ilaaliyo xuquuqda
muwaadiniinta, oo qof kasta oo bulshada ka mid ahi uu uga arko distoorka
himiladiisa.Haddii hogaanka dalku si daacad iyo hagar la’aan ah u fuliyo
una tarjumo dastuurka waxaa gelaysa muwaadinka rajo iyo kalsooni , inuu
ilaaliyo kala danbeynta,ixtraamana hoggaanka ,kana fogaado inuu
xuquuqdiisa ku raadsado wadooyin khaldan.
Waxaana la gudboon cidda talada ummada u haysa iyo dadka hagaya
siyaasada dalka (maamul iyo axsaaba) inay si daacad ah oo ka tarjumaysa
himilada iyo rabitaanka ummada u turjumaan xeerarka iyo dastuurka
dalka,una dhaqan geliyaan.
Waa inaan shuruucda dalku noqon shaadh le’eg oo loo fasilay kolba cidda
markaas talada haysa, ee hogaaminaysa ummadda.loona tarjumin si
waafaqsan rabitaankiisa iyo himilooyinkiisa gaarka ah.
Urur siyaasadeedka qaran wuxuu in badan ku talinaayey in la balaadhiyo
madasha ka qeybqaadashada dooroshooyinka ,taasi oo ah xaq muwaadinku
leeyahay, dastuurka iyo xeeraka dooroshooyinkuna si cad u sheegeen.
Ururo siyaasadeed oo la furo mar kasta oo la qabanayo dooroshooyinka
dawladaha hoose waxay dardargelinaysaa xisbiyada markaas jira si aanay
isu dhigan,.waxayna ka hortegaysaa inaney diktaatoriyad abuurmin.
Ururada siyaasadeed oo laga qeyb gelin waayo dooroshooyinka waxay
horseedaysaa in madashii siyaasada ka maqnaadaan dad aynu ku tuhmayno
aqoon daacadnimo,waxqabad iyo karti .waxa maanta cad in arrimo badan oo
urur siyaasadeedka qaran ummadda uga digaayey ay soo foodsaartey dalka ,wuxuu
dalkeenu manta marayaa marxalad u baahan fikir wanaagsan iyo wax ka
qabasho,mana aha inaynu sugno inta wax waliba faraha ka baxayaan.
Waxaa dalka ka taagan duruufo qalafsan sida;-
-sixir barar saameyey suuqyada dalka oo dhan.
-shaqo la’aan baahsan.
-tahriib cusub iyo Somaliland oo noqotay marinkii tahriibka.
Waxa dalka ka jira xaalad dhaqaale oo adag oo ka dhalatey
maamulxumada,musuqmaasuqa iyo qorsho la’aanta xukumada tusaale ahaan:-,
-lacagta giinbaarta burao oo ku jirtay miisaaniyad sanadeedkiii 2007,ku
talo galkeeduna ahaa in la bedelo isla sanadkaas.
-lacagta faalsada ah ee puntland ee sixirbararka iyo jahawareerka
dhaqaale ku abuurtay gobolka sanaag oo xukumadu ka baaqsatey inay wax ka
qabato,kuna fashilantey inay gaadhsiiso lacagta soomaaliland.
-heshiisyada kheyraadka badda iyo macdanta oo lala galay shirkado ama
kooxo ajaanib ah si baal marsan sharciga dalka.-miisaaniyadii 2008 oo
ilaa maanta aan la horkeenin golaha wakiilada iyo xisaabxidhkii 2007 oo
aan la hayn.
-mashruucii idaacada oo sanad kasta la sheego oo aan weli hirgelin.
-mashruucii wershada sibidhka berbera oo dhagax dhigeedii aynu ogeyn oo
ilaa maanta aan waxba laga qaban.
Hadaba iyadoo xaaladahaas iyo duruufahaas aanu soo sheegnay ummadda ku
habsadeen loona baahan yahay inay dalka ka dhacaan dooroshooyin iyo
isbedel dimoqradi ah oo ka turjumaya himilada iyo rabitaanka shacabka
samirka badan ayaa golaha guurtidu si lama filaan ah ugu dhawaaqeen
muddo kordhin madaxweyne,iyaga oo aan ka warsugin koomishankii loo xil
saarey qiimeynta iyo ka talobixinta qabsoomida dooroshooyinka, iyagoo
abaalgud uga dhigaya korodhsiimadoodii afarta sanno.
Haddaba guurtida oo ah gole dhaqan/nabadgelyo waxey gashay hawlo
siyaasadeed oo baxaad weyn oo aaney aqoonteeda iyo cilmigeeda
lahayn,saadalin karina waxa ka iman kara iyo raadkey bulshada ku yeelan
karto gudo iyo debedba. Muddo kordhinta qayrul distooriga ah ee guurtidu
ku dhawaaqdey iyo arrimaha nabadgelyo darada ah ee ay sheegeen waxay
dhaawacaysaa geedisocodka dimoqradiyada curdinka ee soomaalind ka hana
qaadeysa,waxay kaloo wiiiqaysaa midnimada iyo wada jirka bulshada reer
soomaaliland.
Dhinaca kale cawaaqib xumaada iyo sumcad darada ka dhalatey
korodhsiimada madaxweynaha Waxay geyeysiisay in deeq bixiyaayasha
caalamiga ahi saluugaan go’aankaas. si cadna u taageereen goaankii
komishinka iyo asxaabta qaranku wada gaadheen,taas oo wax u dhimi karta
ictiraaf doonka soomaliland.
Haddaba urursiyaasadeedka qaran wuxuu ku talinayaaa arrimahan:-
1-in loo hogaansamo shuruucda iyo distoorka dalka,loona fuliyo si
daacadnimo ah oo ka tarjumaysa himilada bulshada.
2-in la qaato soo jeedintii koomishinka qaranka.
3-in la laalo muddo kordhintii ay soo jeedisay guurtidu.
4-in la ogolaado in madasha ka qeybqaadashada siyaasada la balaadhiyo oo
ururo siyaasadeed ka qeyb qaataan dooroshooyinka golayaasha degaanka ee
soo socda sida ku cad xeer no 20& 14.
5-in marka doorashada madaxweynuhu dhacdo dhamaadka bisha decembar ,uu
bil ka dib xilka ku wareego madaxweyanaha doorashadaas ku soo baxaa sida
distoorka ku cad. damaanadna laga qaado madaxweynaha xilka hayaa in aanu
korodhsiimo iyo xaalad abuur danbe la soo bixin” ayey ku soo xidheen
hadalkoodii.
Kadib suxufiyiintii ka qaybgelay Shirka Jaraa’id, waxay su’aalo ka
waydiyeen masuuliyiinta Qaran, waxayna u dhaceen sidatan
Su’aal: Urur-siyaasadeedka QARAN muxuu ka aaminsan yahay qaraxyada
xilliyadan dambe ku soo badanaya magaalada Hargeysa?
Jawaab: Waxa dhacday waqti aannu mudaharaad qabanqaabinaynay oo weliba
sifo sharci ah aannu u marnay oo aannu Wasaaradda Daakhiliga waydiisanay
in naloo fasaxo, annaga oo ku magacyadayada ku caddaynay, ayaa halkii
aannu jawaab ka sugaynay Wasiirka Daakhiligu wuxuu yidhi waxaannu war
sugan haynaa in ururka QARAN hub haysto oo uu dagaal galayo.
Qaraxyada sidooba waxaannu u aragnaa camal fulaynimo ah oo aan u qalmin
inay dalkeena ka dhacaan, laakiin masiibadu waxa weeye waxaan la
aaminsanayn dawladdii waxan maamuli lahayd ee sida sharciga ah u mari
lahayd, sida waqtigaa horeba annaga oo aan waxba ku jirin la yidhi hub
bay urursanayaan, maantana halkii la baadhi lahaa cidda ku kacaysa waxan
ayaa waxa la yidhi iyadoo waxba la eegin KULMIYE ayaa ka dambeeyey.
Markaa waxa muuqata inay arrintu mugti ku jirto oo ay dhici karto in
dadka maamulka ahi gacan ku leeyihiin.
Aad iyo aadna waanu u cambaaraynaynaa falalkaa, waxaanna muhiim ah in
dawladdu iyadaa amniga ka masuul ahe inay hesho ciddii ka dambaysay
cidduu doono ha noqdee, laakiin in cid gaar ah oo weliba lala soo boodo
in la yidhaa waa kuwaa waanu diidnahay.
S: Halkan waxaad ku soo gudbiseen dhaliilo iyo soo jeedimo badan,
waxaynu ognahay in maalmahan dambe in labada xisbi mucaarad maalmahan u
dambeeyey ay go’aamo ka soo saarayeen muddo kordhinta oo iyaga si toos
ah u taabanaysa ilaa haddana wax la qaatay ma jiro, idinku ayaad wax u
jeedinaysaan? Yaadse is leedihiin way idinka qaadanaysaa?
J: Annagu waxaannu nahay muwaadiniin xaq baanuna u leenahay in aannu ka
hadalno arrimaha dalka ka taagan, had iyo jeer waxyaabaha laga hadlayo
doorashada ayaa ugu muhiimsan, doorashadana sideedaba Komishan baa loo
magacaabay oo loo saaray, distoorka iyo xeerarka doorashaduna waxay
dhigayaan inay iyagu xaq u leeyihiin inay cayimaan waqtiga ay doorashadu
dhacays, arrinta Guurtida shuruudo ayaa ku xidhan oo sida qodobkan laga
hadlayo ee 83 faqradiisa 5aad, waxa weeye markay duruufo dalka ka jiraan
ee uu dhammaado waqtigii Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa xilligaa jira
markaas ayey Guurtidu xaq u leeyihiin inay kordhsiimo sameeyaan. Markaa
annagu waxaannu tan u soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso.
Annaguna maaha uu ururkayaga in mar kastaba aannu doorashada ka
qaybgalno, balse ururku inuu wixii marba dalka ka jira inuu saxo ayaa
muhim ah.
S: Doorashooyinkii way soo dhawyihiin, haddii ay yimaadaan iyadoon weli
la idin aqoonsan ma xisbiyada iminka jira ayaad ku biiri doontaa mise
faryaro bidix baad ka bixi doontaan?
J: Horta annagu waxaannu qabnaa sida muuqata in aan doorashaba dhacayn,
markii Komishankii iyo axsaabtii ay khusaysay doorashadii ay muddeeyeen
ee la doonayey in loo xafladeeyo, ayaa odayaashii Guurtida ahaa meel
kale ka fad kudiyeen oo waxaynu ogayn odayaashu marka khilaaf yimaado
ayuun bay wax xali jireen, weli maynu arag odayaal wax lagu heshiiyey
iyagu khilaaf geliya. Waxay odayaashaasi sheegeen in aan waddankaba
nabadgelyo jirin oo markaa doorashadii sannad kadib la qaban doono.
Doorasho wax la yidhaa waxay waddankan ka dhimatay maalintii la diiday
ururrada. Waxa kaloo jira doorashooyinka waxaynu ku qabanaa caawida
adduunyadu ina siiso, kuwiina gacanta ayeynu kala baxnay markaa maba
suurtogalayso.
Riyaale Muxuu
Ugu Abaalguday Beelaha Dhexe Ee Somaliland, Codkoodiina Siiyey
Doorashadii Madaxweynaha Ka Dhigtay? |
Faallo - Maxamed Cumar
Tan iyo markii la isugu yimi shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha
Somaliland ee ka dhacay Boorama 1993kii, waxay beelaha Somaliland isla
gaadheen dawlad ku dhisan hab beeleed, oo leh axdi beeleed, sharci
beeleed. Axdigaasi iyo dawladdii waagaasi lagu dhisay xukuumadda maanta
hoggaamisa dalka ayaa weli ku dhisan.
Golihii Guurtida ee ee waagaa la dhisay xubnihiisii weli beelihii ayey
ku fadhiyaan magacooda, wasiiradii saamiga beeleed loo kala qaatay weli
waa sidii, baarlamaankii lagu soo doortay saamigii beeluhu weli waa
sidii, ilaa imika oo la leeyahay dastuurbaa dalka loo sameeyey kuma
dhaqanto dawladda maanta dalka haysataa, Guurtidii kuma dhaqanto,
baarlamankii la soo doortayna looma oggola in dastuurkii lagu dhaqmo,
sidaa darteedna cid kastaa maanta waxay ogtahay in dalku weli ku
dhisanyahay xeerkii lagu aasaasay Somaliland.
Haddii aanay beelo ama gobollo ku dhisnayn, maxaa sababay in wasiir
Cawil iyo siciid sulub beelnimo u hadlaan, gobolnimo ugu hadlayaan,
maxaa C/laahi Darawal loogu beddely wasiir ka tirsanaan jiray KULMIYE oo
beeshiisa ah, maxay Nuur Aamin wasiirka madaxooyad loogu beddelay ABIIB
TIMa CADe oo iska casilay xukuumadda Riyaale maxayse C/laahi Cirro iyo
Nuur Aamin wada jirka ugu qabteen shirka jaraa’id ee ay wadajir
mucaaradka u wada eedeeyeen, haddii aanay beelnimo ula soo safanayn
xukuumadda.
Sidaa ayaa beelaha Somaliland cod u wada siiyeen Riyaale markii la
dooranyey shan sano ka hor, maantana loogu diyaar yahay inay beelaha
Somaliland codkooda u wada siiyaan ama u wada diidaan Riyaale haddii uu
oggolaado in dalka doorasho ka dhacdo oo aanu awood ciidan ku haysan.
Daahir Riyaale, oo intii an madaxtooyada la keenin, ama anu kursiga
marxuum Cigaal ka dhaxlin, ama aanu noqon madaxweynaha, ka hor reer
Awdal aanay dhammaantood sidaa aqoon ugu lahayn, isla markaana loo
haystay uun nabadsugidii Siyaad Barre oo aan haatan shaqo haysan,
dawladdoodiina dhacday, ayaa badi lagu bartay uun shirkad jaadka
Boosaaso geyn jirtay oo uu ka tirsananaan jiray aakhirataankii
khasaartay, albaabadana loo laabay.
Daahir Riyaale oo doorashadii waagaasi maanta ku xukuma dalka Somaliland,
ayaa la isweydiinayaa cidda siisay codadkii ugu badnaa ee guushu ku
raacday, ciddii diidday madaxweynimadiisa? iyo ciddii ka aamustay? Wax
markhaati ma doonta ah in codadkaii ugu badnaa ay siiyeen beelaha kale
ee reer Somaliland marka laga reebo gobolka Awdal oo aanu Riyaale
guuleysteen haddii ay keligood boqolkiiba boqol siiyaan codadkooda.
Daahir Riyaale oo maanta xilkiisii madaxweynenimadu sii dhammanayo ,
balse weli iskus ii dhejinaya, ayaa dhinaca kale waxa soo baxaya qaylo
dhaan, dhaliilo, wax qabad la’aan, iyo musumaasuq hadheeyey shantii ama
lixdii sannadood ee uu dalka xukumayey kuwaasoo ka imanaya qaybo ka
tirsan beelihii taageeri jiray SNM, ee gobolada dhexe e Somaliland, ama
beelaha loo yaqaanno Isaaqa. , maadaama la ogyahay in beelaha reer Awdal
ay 80% taageeraan xukuumadda Riyaale inkastoo aanay jirin wax dano gaar
ah oo ay ku qabaan.
Haddaba markaad eegto abaalkii ay Riyaale u galeen beelaha dhexe ee
Somaliland, isla markaana mucaaradkii ay hoggaaminayeen xubno ka tirsan
beelahoodu ugu hiiliyeen Daahir Riyaale, iyo dareenka maanta ay badi
beelahaasi ka muujinayaan xukuumadda Riyaale ayaa waxay tahay kaaf iyo
kala dheeri.
Arrimaha, ama abaalka ay ka filayeen Daahir Riyaale beelahaasi ayaa waxa
ugu horreeyey xorriyadda muwaadinka, ictiraafka muwaadinka, dhawrista
xuquuqal insaanka, ganacsiga xorta ah, shaqo abuurista, iyo arrimo kale
oo maanta reer Somaliland ku faani lahaayeen ayaa la ogyahay halka
maanta ay marayaan.
Markaad isbarbardhigto abaalka laga sugayey Riyaale iyo waxa maamulka ka
tirsanayaan qaybo ka kid ah beelahaasi dhexe ee Somaliland, ayaa waxa
muuqata inaanay Riyaale ka hayn abaalkii ay ka filayeen.
Markaad eegto waxa beelahaasi ka dhaxleen xukuumada Riyaale, ayaan ogaaday
inay yar tahay faa’iidada beelihii u codeeeyey waagaasi ka heleen
dawladda, balse ay badan tahay tacaddiga iyo cidhiidhiga dhaqaale ee
beelahaasi la geliyey.
Waa tan koowaade waagii aniga iyo masuulyiinta Haatuf lagu xidhay Madheera,
ayaan arkay maxaabiista xabsigaa ku jirtay 80% inay ka tirsan yihiin
beelaha dhexe ee Somaliland, 20% ka kalena ahaayeen maxaabiis laga kala
keenay gobolada kale ee Somaliland. Dadkaa xidhan oo qaarkood dhawr
sannadood xabsigaasi ugu jiraan dembiyo lagu soo eedeeyey oo aan la
ogeyn inay wax ka jiraan iyo inkale.
Waxa kale oo ay beelahasi badankoodu ka qaylinayaan shaqo la’aan,
caddaalad darro, ganacsigii xorta ahaa oo loo xidhay dad ajnebi ah,
ururadii xuquuqal insaanka oo la baabi’iyey iyo cago juglayn.
Waxa kale oo muuqata sida badi beelahaasi oo taageeray dagaalkii lagu
riday xukunkii Afweyne, ay maanta ugu kala fogaadeen arrimaha siyaasadda
ee hoos yimaadda xukuumadda Riyaale taasina ay sababtay in beelihii ku
mideysnaa halgankii SNM ay maanta u kala qaybsan yihiin siyaasiyiin kuwa
u nacamleeya xukunka Riyaale oo aan wax caynkaas ah ka duwanayn kii
Siyaad Barre, iyo kuwa ka soo horjeeda oo maalin walba xukuumaddu
Riyaale u soo jeediya eedeymo. Weli beelahaasi kuma dhigin bannaanbaxyo
lagaga soo horjeedo, halka reer Boorama marxuum Cigaal bannaanbaxyo ay
kala horyimaaddeen taayirro lagu shiday.
Sidoo kale Beelihii codka ugu badan siiyey Riyaale shan sano ka hor ayaa u
kala qaybsamay kuwa dilaaliin u ah xukuumadda Riyaale iyo kuwa
dhaqaalahoodu dhulka sii galay. Waxay u kala qaybsameen kuwa la xukumo
iyo kuwa wax xukuma, kuwa wax xidhxidha iyo kuwa la xidhxidho, kuwa
shaqada loo furay iyo kuwa laga xaaaraantinnimeeyey, kuwa loo adeego iyo
kuwa la adeegsado, kuwa Riyaale u basaasa iyo kuwa la basaaso.
Maanta oo ay beelahaasi filayaan inay ka hoos baxaan nidaamka Riyaale,
dalkana laga sameeyo isbedel siyaasadeed oo dalkan u keeni kara ictiraaf
iyo nolol wanaagsan, ayaa wax durba soo baxaya arrimo kale oo
xukuuumaddan maanta u horseedi kara inay xoog milateri ku sii haysato,
arrimahaasi oo ay ka shaqaynayaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta,
ciidamada, iyo taagerayaal ka soo beelahaasi dhexe, kuwaas oo ku kala
jira Golayaasha Guurtida iyo wasiirada, oo dhaarttii ay ku dhaarteen
inay dalka iyo dadka daacad u noqon doonaan, aakhiradoodii ku illoobay
dulmi ay ku taageeraan cid aan aakhiro cadaab ka badbaadinayn.
Ilaa inta ay ogaanayaan abaalkii, codayntii, iyo difaacii u galeen Daahir
Riyaale, iyo waxa uu ugu abaalguday, waxa hubaal ah inay sii socon
doonto qaylada, calaacalka, iyo cabashooyinka isbiirbiirsaday ee ay hadh
iyo been hadal-hayaan beelahaasi qaarkood haddii anay la iman weji kale
oo ugu midoobayaan sidii ay iska dul qaadi lahaayeen xukuumadda haatan
ay ka tirsanayaan abaal la'aanta iyo tacaddiga.
“Waxaan Xaal Ka
Bixinayaa Hadalkii Yaq-Yaqsiga Lahaa Ee Siciid Sulub”
Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan |
Hargeysa April 16, 2008 (Haatuf) – Suldaan Saleebaan Boqor Cimaan Xasan,
oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland, gaar ahaan beelaha H/Yoonis
Galbeed ayaa qoraal uu shalay wargeyska Haatuf uu soo gaadhsiiyey ku
dhaleeceeyay hadal uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Siciid Sulub
uu dhawaan ka sii daayay warbaahinta dalka oo uu wasiirku isagoo
difaacaya madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale uu hadana ku weerarayay
xoogaga mucaaradka iyo dadkii ka soo qayb qaatay halgankii ururkii SNM.
Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa hadalkii Suldaan Saleebaan
Boqor Cismaan Xasan oo dhamaystiran, waxaanu u qornaa sidan:
“Aniga oo ah Suldaan Saleebaan Boqor Cisman Xasan ahna Suldaanka Guud ee
H/Yoonis Galbeed, waxaan ummada reer Somaliland iyo guud ahaanba
halgamaayashii SNM ka tacsiyadaynayaa hadalkii uu dhawaan ku hadlay
Siciid Sulub ee uu ku sheegayay in SNM ay dad xaq darro ku laysay,
Hadaba hadalkaasi wuxuu meel ka dhac weyn ku yahay halgankii qadhaadhaa
ee naf iyo maalba loo huray iyo Mujaahidintii xaq u dirirka ahaa ee ka
soo qayb galay halgankaa.
Hadaba Siciid Sulub iyo kuwa la midka ah waxaan u sheegayaa in halgankii
SNM ahaa mid ujeeddooyin leh ee muu-ahayn sida adiga iyo kuwa aad isku
nooca tihiin aad u taqaaniin.
Siciid Suluboow waxaan kugu waaninayaa inaanad u noqon hadalada meel ka
dhaca ah ee aad dadka u marinayso Wargeysyada iyo TV-yada oo cid kale
iska daayo xataa caruurtu kaaga Maadsato.
Maaha markii u horaysay ee aad sidan oo kale hadalo laga yaq-yaqsoodo
aad ku hadasho ee waxaa ka horeeyay hadalkaad lahayd Hargeysa badh-baa
la haystaa, waxa ka sii horeeyay wixii adiga iyo wasiir hore aad jaraa\idka
isu mariseen.
Wasiir waxa fiican inaad baratid asluubta iyo anshaxa hadalku leeyahay.
Waxa kale jiray hadalka ay warbaahintu dhawaan kaa soo warisay “Wallaahi
inaan mid lagu kala guuro sheegi”.
Hadaba wasiir waxaan kuu sheegayaa haddii la kala guuro adigaa ugu
horeeya cidda guuraysa oo aan ninna kaa horaynayn, kolkaa jooji kicinta
iyo fidmada aad moodayso inaad kursigaaga ku haysan doonto.
Madaxweynahana waxaan leeyahay, madaxweyne waxaan ahay Suldaan nabada
jecel xisbina ma ihi.waxaan anigu jecelahay inaan kuu nasteexeeyo oo
kugula talin lahaa inaad ixtiraantid heshiiskii komishanka iyo xisbiyadu
wada gaadheen taas oo aan waxba ka duwanayn kan Guurtida oo ay u
dhexayso uun muddo koobani madaxweyne waxaa sidaas ku jira danta dalka
iyo ta Ictiraafka, anigoo cambaaraynaya cid kasta oo isku dayda inay
khalkhal galiso nabadgelyada, Somaliland gaar ahaan kuwa qarxa ka wada.
Waxa kaloo cambaareeynayaa cid kasta oo sida Siciid Sulub garan wayda
xilka saaran oo qaran dhan halgankiisii waxaan geyin ku sheegay.
Waxaan aad iyo aad ugu qoslay Jawaabtii Cabdilaahi Cirro ka bixiyey
hadal uu Maxamed Kaahin yidhi, waxaan leeyahay wasiirada kursiga ama
iskaga kaca ama anshaxa ilaaliya.”
Kulan London Ku
Dhexmaray Wakiilka Xukuumadda Riyaale U Jooga UK, Lord Avebury Iyo
Madaxda Ururo Reer Somaliland Ah |
London, April 16, 2008 (Hatuf) - Aadan Muuse Jibril oo ah wakiilka
(Somaliland UK Mission ) ayaa Lord Avebury kula kulmay Magaalada London.
Kulankaas oo ahaa mid muhiimad gaara u lahaa labada dhinac, waxa uu
Wakiilkada Somaliland si qoto dheer uga waramay geedi socodka
dimuquraadiyadeed ee Somaliland ku tallaabsatay. Isaga oo sheegay
horumarka iyo wanaaga Somaliland in uu ku xidhan yahay dimuquraadiyadda
iyo nabadgelyada ummadda reer Somaliland haysato oo la sii kobciyo.
Aadan Muuse Jibriil isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Waxaa wax
lagu farxo ah dedaaalka ay ummadda reer Somaliland muujisay 17 sano ee
aan soodhaafnay iyo nabada ay ka dhaliyeen Mandaqad ay ku badan yihiin
awoodaha neceb dimuquraadiyadda iyo kala danbaynta, waxaana wax laga
xumaada ah in aanu caalamka ku abaal marin wanaaggii ummadda reer
Somaliland mutaysatay oo ah in ay helaan xaqooda oo ah ictiraafka
Somaliland xaqa u leedahay.”
Wakiilka wuxuu Lord Avebury uga mahad naqay qaybta weyn ee uu ka qaatay
qadiyadda Somaliland.
Waxaa isna halkaas ka hadlay Lord Avebury oo ah Mudane ka tirsan guriga
Guurtiga ee dalka Ingiriiska (House of Lords ) ahna shakhsiyaadka sida
weyn ugu olololeeya qadiyadda Somaliland oo si diiran u soo dhaweeyey
Wakiilka Somaliland Aadan Muuse Jibril iyo Madaxdii ururada reer
Somaliland ee wehelinayeyba.
Lord Avebury wuxuu hadalkiisa ku bilaabay siday muhiim u tahay in laysku
mashquuliyo xaga horumarka dalka sida waxbarashada caafimaadka iyo
dayac-tirka meelaha ahmiyada gaarka ah u leh dhaqaalaha Somaliland sida
dekadda Berbera. Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “ururada reer
Somaliland ee qurbuhu in ay ahmiyadda saaraaan isku xidhka hay’adaha
horumarinta ka shaqeeya iyo ururada ka howl gala dalkii.”
Lord Avebury waxaa kale oo uu ka hadlay sidii layskugu taxalujin lahaa
ciyaaraha ama ciyaartoyga reer Somaliland sidii ay uga qayb gali
lahaayeen ciyaaraha dibada ama caalamkaba, taas oo qayb weyn ka qaadan
karta magaca iyo ictiraafka dalka laftiisa. Waxaa kale oo uu ka hadlay
siday muhiim u tahay in laysku xidho dhammaan ururada reer Somaliland ee
caalamka ku baahsan iyo faa’iidada ay keeni karto wada shaqayntoodu.
Intaas kadib waxaa halkaa ka hadashay Marwo Lulu Faarax oo ah Madaxa
ururka SIRAG UK oo ah ururada sida weyn ugu dooda ictiraafka Somaliland.
Iyada oo sharaxaad ka bixisay sida ay iskugu xidhan yihiin ama ay u
wada-shaqeeyaan ururada u halgama ictiraaf u doonida Somaliland oo hadda
hoggaan adag yeeshay. Kadib waxaa halkaa ka hadlay Maxamed Aadan Xassan
oo ah Madaxa ururka NOMAD oo ah ururada qaybta weyn ka qaata xagga
horumarka dalka iyo isku xidhka labada bulsho dalka iyo dibada. Kadib
waxaa halkaa ka hadlay Dr. Axmed Maxamed (Dr. Bangali) oo ah Mdaxa
ururka Somaliland Health Foundation oo sheegay horumarka xaga
Caafimaadka iyo waxbarashada qiimaha ay u yeelan karaan horumarka dalka.
Kadib waxaa halkaa ka hadlay Axmed Ibrahim Kadleye Madaxa ururka
Somaliland Overseas oo ah ururada qadiyadda Somaliland u dooda, waxaanu
ka hadlay in ay khalad tahay dawladaha awoodda lihi sida Yurub iyo
Maraykanku in ay ictiraafka Somaliland ku riixaan Midowga Afrika oo
markiisii horeba la daala dhacaayey dhibaatada ballaadhan ee ka taagan
Afrika. Wuxuu yidhi “Waa in dawladda Ingiriisku gacanta ku qabataa
qadiyadda Somaliland.”
Nuxurka shirkani wuxuu ahaa sidii uu xidhiidh iyo wada shaqayn wakiilka
MudaneAdan ula yeelan lahaa dhammaan ururada iyo shakhsiyaadka ku howlan
danaha Somaliland UK, isaga oo hore uga soo qayb galay shirar badan oo
ka dhacay UK kuwaas oo dhammaan laga hadlayayey isku xidhka iyo
wadashaqaynta ururada reer Somaliland ee ku howshan danaha ummadooda.
Mudane Adan wuxuu yididiilo weyn galiyey isku xidhka iyo wada shaqaynta
ururada reer Somaliland UK mudadii yarayd ee uu dalkan joogay
Ahmed Ibrahim kadleye
Gudoomiyaha ururka Somaliland Overseas
kadleye024@hotmail.com
London United Kingdom
http://siragandsomalilandoverseas.blogspot.com/
Ashcari
Muwaadin Dadkiisa Iyo Dalkiisa Horumar La Jecel Buu Ahaa |
Alla haw naxariistee waxa bishan 08- April -2008 ku geeriyooday dalka
Ingiriiska Marxuum (Cabdullahi Maxamed Xirsi ( Ashcari ) .Marxuumkani
waxa uu kow ka ahaa muwadiniinta reer Somliland ee dalkooda wax la
taaban karo ku soo kordhiyay. Mashaariicda uu keenay waxay yihiin kuwo
rasmi ah oo soconaya, bulshadana u leh wax tar weyn.
Haddaba marxuumku waxa uu xubin ka ahaa guddiga maamulka ee u saraysa
hay’adda Samafalka S O S oo xarunteedu tahay dalka Austria, hay’ayadan S
O S markii ugu horaysay isaga ayaa dalkii Somaliya la osku odhan jiray
keenay mid Moqdisho laga dhisay tii Hargeysa laga dhisi lahaana
dagaalkii 1988 ayaa ka soo gaadhay. Arrintii kamuu hadhin ee halkii ayuu
ka sii waday Illaahayna markii dambe wuu ku guulleeyay oo waxa uu
Haya’addii ku qanciyay in Somaliland tahay Dal madax banaan oo dawlad
iyo maamul leh lagana samayn karo wax kasta..
Sanaddkii 2000 ayaa waxa la bilaabay Mashruuca Waxbarashada ee Sheekh oo
iminka 7 sanno socaday si fiicana u shaqeeya oo cid waliba ka warqabtaa
wax tarkiisa.
Waxa kale oo 2006 kii la bilaabay dhismaha mashruuca hargieysa ( Ex-ganet
) & Mashaariida cusub ee sannadkan la bilaabayo oo kala ah Awdal &
Sanaag.
Iyagoo faahfaahsan mashaariicdu waa sidan :-
1. MASHRUUCA SHEEKH
a) Dib u dhis buuxda oo lagu sameeyay dugsigii sare ee sheikh oo isugu
jira classes iyo hoygii ardayda
b) Waxa lagu daray qayb cusub oo hoyga hablaha ah
c) Iskuulka waxa gala sannad kasta inta ugu saraysa ee imtixaanka
dugsiyada dhexe ee dalkan
d) Tayadda macallimiinta & wax barashada oo ah tan ugu saraysa ee
aduunka la mid ah.
2. MASHRUUCA HARGIESA
Mashruucan Hargieysa waxa uu ka kooban yahay dhowr qaybood oo kala duwan
mashruucan waxa la furayaa haddii eebe yidhaa bisha June -2008
a) Dhakhtar dumarka iyo caruurta ah oo billaash ah
- Dumarka iyo caruurta
- Shaybaadh casri ah
- Farmasi guud
b) Qaybta xanaanada ubadka jilicsan ama aan lahay ehel.
c) Qaybta caruurta aan xerada ku jirin ee dadka jilicsan oo la caawinayo
d) Qaybta wax barashada
- Dhismaha Dugsi cusub & Tayo kordhinta Dugsiga Ganet
e) Dhisme Xarunta S O S ee Somaliya oo Hargiesa ah.
3. MASHRUUCA AWDAL
Mashruucani waxa la bilaabayaa sannadkan 2008 waxanu la mid yahay kan
Hargeysa
4. MASHRUUCA ERIGAVO/BURCO
Ceerigaabo waxa la ogollaaday in loo dhiso xarunt iyaduna la mid ah tan
Hargeysa
a. Dhakhtar dumarka iyo caruurta ah oo bilaash ah
b. Shay baadh casri ah
5. Burco
Dib hagaajinta Dugsigii farsamada Gacanta ee Burco ayaa guud ahaan la
ogolaaday waxana socda imika dejinta miisaaniyaddiisa , taasina Haddii
Illahay yidhaa dhakhso ayaa loo soo ansaxin doono.
6. Berbera
Magaaladda Berbera waxa laga furay Clinic billaa lacag ah oo dadka dan
yarta ah
Mashruucan oo leh qayb ballaadhin oo sanadaha soo socda lagu dari doono.
Guud Ahaan mashaariicda Marxuumku dalka keenay waxa lagu qiyaasi karaa
in ka badan 10 milyan iyo weliba kordhintooda oo mar walba sii badata.
Haddaba Illaahay ayaa ka abaal marin qof kastaa wanaaga uu shacabkiisa u
sameeyo
Waxa xaqiiq ah inuu marxuumkaasi innaga maddan yahay in taariikhda baal
dahab ah loogu qoro dhinaca horumarka uu wax uga taray.
Soomaali Laga
Qabqabtay Norway Oo La Filayo In Khamiista Berbera Tahriib Lagaga
Soo Dejiyo |
Oslo, April 16, 2008 (Haatuf) – Ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ayaa
shalay laga qabqabtay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway, kadib
markii ay Bileyska dalkaasi qaab ugaadhsi ah uga soo kala qabteen meelo
kala duwan.
Saddexdan qof ee Soomaalida ah ayaa la filayaa in caawa loo soo duuliyo
magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay joogaan kooxo
Maafiyo Kenyan ah oo ku shaqaysta in dadka Yurub laga soo mustaafurinayo
ay ka dejiyaan madaaradda Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la filayaa
inay saddexdan qof ee Norway laga soo mustaafurinayo ay habeenimada
Khamiista tahriib ku keenaan Madaarka Berbera, halkaas laga soo dejiyo.
Tani maaha markii koowaad ee dad Soomaali ah oo laga soo mustaafuriyay
dalalka Yurub si tahriib ah loogu soo tuuro garoomada diyaaradaha ee
Somaliland iyo Somalia, waxaana dhawr jeer oo hore si tahriib ah loo
keenay madaarada Hargeysa iyo Berbera-ba dad Soomaali ah oo laga
tarxiilay dalalka Yurub, iyadoo ay dadkaas qaarkood u dhasheen
Somaliland, halka qaar kalena ka soo jeedeen Somalia.
Maraakiib Iyo
Diyaarado Maraykan Ah Oo Idaacadda BBC-du Sheegtay Oo Aanay Dadka
Reer Berbera Arag |
Berbera, April 16, 2008 (Haatuf) – Weriyaha Laanta Af-Soomaaliga Idaacadda
BBC-da u jooga Hargeysa, ayaa Xalay Barnaamijkii Caweysnimo ee
Idaacaddaas ka sheegay in ay shalay galabtii Berbera yimaadeen laba
Markab oo ah nooca diyaaradaha dagaalka xambaara ee Maraykanka, kuwaas
oo sida uu sheegay ay ugu yaraan lix diyaaradood oo kuwa qumaatiga u
kaca ee Helicopter-ka ahi ka soo duuleen isla markaana ay soo fadhisteen
madaarka Berbera oo ay marba dhinac kaga soo degayeen.
Hase yeeshee weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, ayaa
sheegay in wakhtiga BBC-du sheegtay inay yimaadeen Maraakiibtaasi
Berbera uu isagu xeebta xaga madaarka Berbera marayay isla markaasna
aanu arag wax diyaarado ah oo Madaarka soo fadhiisanaya amaba ka duulaya.
Sidoo kalena aanay indhihiisu qaban wax maraakiib ah oo badda taagan ama
ay diyaarado ka soo duulayaan. Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah
dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda oo aanu khadka
telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanay arag wax diyaarado ah
ama maraakiib ah oo halkaas yimid.
Weriyaha oo markii ay BBC-du warkaas sii daysay weraystay dadweynaha
reer Berbera ayaa dhammaantood waxay isku raaceen inaanay arag diyaarado
iyo maraakiibta la sheegay isla markaana aanay maqal guuxooga.
Mar aanu la xidhiidhnay wasaaradda Difaaca Maraykanka waxa ay sheegeen
inaanay xilligan jirin Maraakiib kuwa diyaaradaha qaada (military
Aircraft Carrier) oo Maraykan ah oo ku sugan Biyaha badda Cas ee gacanka
Cadmeed ee u dhexeeya Yemen iyo Somaliland iyo xataa Badweynta Hindiya
toona.
Waxa kale oo ay wararku sheegeen inaanay maraakiibta diyaaradaha
xambaaraa ku soo xidhan karin dekedda Berbera, sababta oo ah iyadoo aan
u diyaarsanayn inay Maraakiibta noocaas ahi ku soo xidhan karaan.
Hase yeeshee dad badan ayaa warkan u arkay inuu yahay mid olole loogu
samaynayo Xukuumadda Madaxweyne Riyaale oo weji gabax kala kulantay
muddo-kordhintii ay 10/4/2008 Golaha Guurtidu u sameeyeen muddada
xilkeeda.
Waxa kale oo la sheegay in sababta muddo-kordhinta keentay tahay
Madaxweynaha oo rajaynayay in Maraykanku yimaado Berbera taasina ay u
noqoto hal-ku-dheg uu doorashada ku galo oo uu bulshada cod kaga helo
inuu waxqabadkiisu keenay inuu Maraykanku yimaado Berbera, isagoo
rajaynayay markii hore inay bishii January ee ina dhaaftay Maraykanku
yimaadaan Berbera, ilaa haatana aanu ka quusan taasi, inkastoo aanu
Maraykanka ka haysan balanqaad la taaban karo, haddana Madaxweynuhu
isagoo ilowsan doorashooyinka Maraykanka ka dhacaya bisha November ee
soo socota weli wuxuu maanka ku hayaa in Maraykanku mar uun yimaadaan
Berbera ka hor inta aanay qabsoomin doorashooyinka Madaxtooyada
Somaliland, si uu labadaa arrimood iskugu beego-na Madaxweyne Riyaale
waa sababta ku keliftay inuu golaha Guurtida uga qiil-samaysto sidii
muddada loogu kordhin lahaa.
Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Siciid Cadaani Mooge oo
aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanay waxba
ka ogeyn diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee BBC-du
sheegtay inay yimaadeen Berbera, waxaanu xusay in isaguba uu Idaacadda
BBC-da ka maqlay uun.
Dhinaca kale, saanaddii hubka ahayd ee dorraad ciidamada bileyska iyo
milaterigu ku qabteen magaalada Burco, ayaa la sheegay inaanay haba
yaraatee aanay jirin cid loo qabqabtay, isla markaana ay ciidamada
hawl-galka fuliyay gaadhi uun dabada u galeen guriga hubku yaalay,
waxaana taasi shaki gelisay dadka, isla markaana waxaa loo malaynayaa
inuu ahaa hawlgalkaasi ahaa mid iska qorsheysan oo looga jeedo uun in
rayil-caamka laga jeediyo muddo-kordhinta Guurtida ee dadweynuhu si
aadka ah uga soo horjeedo.
MP Alun Micheal
Oo KULMIYE Ku Hambalyeey Qabashadii Shirweynihii 2aad Ee Xisbigaas |
Cardiff, Wales, April 16, 2008 (Haatuf) – Xaflad aad u
heer sareysa oo si weyn loo agaasimay ayaa lagu qabtay Xarunta Welshka
ee Cardiff Jimcihii 11/04/2008, Xafladan oo lagu Xusaayey Halgamaaga
weyn (Alun Micheal MP) ee ku Suntan Taariikhda Somaliland Mudo dheerna u
soo halgamayey Qadiyada Somaliland iyo Iminka oo weli wado ka midho
dhalinteeda iyo Xog waran laysku wareysanayo ayaa waxa qabtay Jaaliyada
Somaliland ee Wales ee Cardiff.
Xafladdan ayaa ugu horeyn waxa furay Mudane Cabdikariin Cabdi Aadan oo
ah Agaasimaha Jaaliyada Somaliland Welshka, isagoo aad ugu mahadnaqay
Xildhibaan Alun Micheal MP, masuuliyiinta kale Iyo Dadweynihii
Somaliland ee ka soo qaybgalay, wuxuuna ku soo dhaweeyey, Mudane Xasan
Maxamed oo ka akhriyey Aayado Quraana, ka dibna wuxuu mahad balaadhan u
jeediyey Mudane, Allum Micheal MP oo aanay weligeed ilaawayn Ummadda
Somaliland, waxaa kaloo u mahadnaq ugu jeediyey madaxda kale ee sharafta
leh iyo dadweynaha Jaaliyada Somaliland iyaguna xafladaas ka soo
qaybgalay.
Intaa ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland
ee Welshka Mudane Axmed Xasan Carwo, isagoo Gudoomiyuhu u mahadnaqay
Mudane Alun Micheal iyo Madaxdii sharafta lahayd ee xafladaas ka soo
qaybgashay iyo Jaaliyada Somaliland ee Wales, Isagoo mid mid ugu
sharaxay madaxda halkaa fadhiday dadweynihii madashaa isugu timi, isagoo
sheegay Alun Micheal in aanu u baahnayn in aan idin baro uuna yahay
saxiib weyn oo ay Somaliland leedahay mudo aad u dheerna xidhiidh ka
dhexeeyey , wuxuu kaloo sheegay inay iyagana inala joogaan Mudane John
Townley oo ah Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ee Horumarinta Wales
(International Development) isla markaana ah Madaxa Afrika (Head Team
For Africa) Iyo Mudane Vaughan Gething oo ah(City Counciler) Xildhibaan
Dowlada Hoose ee Cardiff lagana soo Doorto Koonfurta Cardiff(South
Cardiff) wuxuuse aad ugu dheeraaday Gudoomiyuhu Mudane Alun Micheal oo
sheegay in ay maanta umada Somaliland ogyihiin halka uu kaga jiro
dalkeena isagoo ka sheekeeyey taariikhdiisii dheerayd iyo halgankii u
soo galay Somaliland oo ahayd taariikh aad u fogayd, isagoo dhamaan
mahad balaadhan u jeediyey madaxdaa sharafta lahayd iyo dadweynihii
Somaliland ee Xafladaa ka soo qayb galay.
Gudoomiyaha Jaaliyada Wales UK Mudane, Axmed Xasan Cali carwo, ayaa ku
maamuusay in uu xafladaa uu hogaamiyo mudanaha laga soo doorto Dowlada
hoose Cardiff ( Cardiff City Council) gaar ahaana Xaafada Koonfurta
Cardiff (South Cardiff) dadweynaha Somaliland deganyihiin, Mudane,
Vaughan Gething oo ah Local Councilor.
Mudane, Vaughan Gething ayaa ugu mahadnaqay sida aad iigu sharafteen
ayuu yidhi, inaan anigu daadihiyo shirkan waana ku mahadsantihiin ayuu
yidhi, Mudanahu wuxuu sheegay inuu ka soo jeedo Africa (Sambiya)asalkiisu,
waxaanu sheegay inuu si gaara u ixtiraamayo mudane Alun Micheal MP oo uu
in badan la soo shaqeeyey xilalkii hore ee uu ka soo qabtay Gobolka
Welshka.
Nasiib ayaan u helay ayuu yidhi Mr, Vaughan sharafna way ii tahay inaan
gudoomiyo xafladan maanta waxaanu u mahadnaqay dhamaan intii soo
qabanqaabisay iyo intii ka soo qaybgashay, isla markaana wuxuu ku soo
dhaweeyey , Mudane John Townley oo ah Madaxa xidhiidhka Caalamiga ee
Horumarinta welshka, Madaxna ka ah Arimaha Afrika (Head Team For
Africa).
Mudane John Townley waxa uu mahadnaq u jeediyey dhamaan Masuuliyiinta
kale iyo Jaaliyada Somaliland ee Welshka, wuxuu sheegay inay markasta
tixgelinayaan Somaliland si ay u xoojiyaan xidhiidhka Welshka iyo
Somaliland oo ahaa mid waqti dheer soo bilaabmay sidaa daradeedna ay
sabab u tahay inay mashariic badan ka Maalgeliyaan Somaliland siiba
dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka , Arimaha Bulshada iyo wixii kale
ee loo baahdoba.
Intaa ka dibna wuxuu ku soo dhaweeyey Mudane, Vaughan, Agaasimaha
Jaaliyada Somaliland ee Welshka, Mudane Cabdikariim Cabdi Adan.
Mudane Cabdikariim wuxuu u mahadnaqay dhamaan masuuliyiintii qiimaha
lahayd ee Xaflada loo qabtay iyo dadweynihii Somaliland ee ka soo
qaybgalayba, ka dibna wuxuu ka sheekeeyey agaasimuhu hawlo Waxtar leh oo
ay ugu baxeen Somaliland oo ay maalgeliyeen Maamulka welshku una suurta
gashay ay ku saabsanaa Dhinacyada waxbarshada, Caafimaadka & Saxaafada
Madaxa-banaan.
Iyadoo hawshan ay daadihinayeen Welsh Somaliland Community waxaana iska
kaashaday Mashruucan Welshka Iyo Welsh Somaliland Community Link, iyadoo
lagu horumarinaayo xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya laba
qowmiyadood (welshka & Somalilanders)
Waxaanu Booqashooyin hawlo u kala tagnay ayuu yidhi Mudane, Cabdikariim
Gobolada Togdheer, Maroodi Jeex (Hargeisa), Sanaag(Erigabo),
Saahil(Berbera) iyo Awdal(Boorame) waxyaalaha aanu soo sameynay
Mashruuciii aanu u baxnay waxaa ka mid ahaa iyadoo aanu mataanaynay
7school oo Welshka ah iyo & 7 School oo Somaliland ah, kala ah.
2 School oo Hargeisa ah & 2 School oo Welshka ah.
1 School oo Burao ah & 1 School oo Welshka ah.
1 School oo Erigabo ah & 1 School oo Welshka ah.
1 School oo Gebiley ah & 1 School oo Welshka ah.
1 School oo Awdal ah & 1 School oo Welshka ah.
1 School oo Saahil ah & 1 School oo Welshka ah.
Waxaa igu weheliyey socdaalkayga ayuu yidhi, Mudane Cabdikariin,
Agaasimaha Horumarinta Mashruuca Mr, Harris iyadoo aanu darasaad ku
samaynay sida wax loogu qabanaayo dadka maskaxda ka dhiman oo aanu wadno,
iyadoo aanu xidhiidh la samaynay Dhalinyaro Reer Erigaabo ah oo xil iska
saaray Farsamada Dhakhtarka Deegaankaas sidii wax looga qabanlahaa,
waxaanu iyadana ku guulaysanay inaanu xidhiidh u sameyno Jaamacadaha
Somaliland Iyo Welshka, Dalada dowladaha Hoose Somaliland iyo kan
welshka, Baarlamaanka Somaliland & National assembly For Wales.
Iyadoo aanu xidhiidhkaa iyo isku xidhkaas u sameynay inay kala faa,
ideystaan, iyadoo xildhibaanadii SL ee halkan yimi ay ka faa, ideysteen,
iyadoo si gaara markii danbe loo siiyey tababar laba Xildhibaan
Cabdikariin Awcali Shabeel & Dr, Axmed cabdi Nuur Kijaandhe waxaana
hormood ka ahaa Mudane Allun Micheal MP.
Intaa ka dib Gudoomiyaha Shirku wuxuu ku soo dhaweeyey Codbaahiyaha
Mudane Allun Michael MP oo Gudoomiye u ah Ururka Xildhibaanada u
ololeeya Soomaliland –U. K ALL Party Somaliland Group isagoo mudanuhu
aad ugu mahadnaqay Dadweynaha Somaliland ee xafladaa ku maamuusay,
isagoo akhriyey khudbad aad u dheer, uuna sheegay sida ay uga go,
antahay inuu ka shaqeeyo ka midho dhalinta Qadiyada Somaliland iyo
horumarinta Somaliland Mar kasta iyo waqti kasta.
Wuxuu sheegay Mr, Alun in tartanka dimuqraadiyadu oo marwalba mucaarad
iyo muxaafad ka dhexeeya yahay mid caafimaad qaba, ina tusayana inay
dimuqraadiyadu shaqaynayso, xumaana aan loo arkin, Mucaarad la, aani
Dimuqraadiyadi ma jirayso, waana in mar walba danta guud la wada
ilaaliyaa,
Wuxuu ka sheekeeyey Arimaha Taariikhada u gelay Somaliland oo ay ka
midtahay Arintii Doorashada Madaxtooyada Somaliland 2 0 0 3 oo ku
sheegay in uu aad ugu amaanayo Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay in
Mareykanka (USA) oo ah wadan weyn ay codad aad u farabadan lays dheeraa
hadana ay Algore iyo Bush tartankoodii laysla galay Maxkamada sare ee
Mareykanka, ayaa Somaliland oo ah wadan Cusub oo lays dheeraa 80 Cod
Kulmiye iyo Udub ayaa Taariikhda waxay gashay sida ay u markiiba u
aqbaleen Xisbiga Kulmiye gaar ahaana Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye sidii
masuuliayadu ku dheehnayd, Abaal Weyna ay dadka Somaliland ugu hayaan
xisbiga Kumiye Iyo Gudoomiyahooda.
Waxaa uu Mudane Allun Michael yidhi “Waxa aad laygu amaanay oo layga
waramay shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa lagu qabtay dhawaan
sida guusha ah ee uu ku dhamaaday, ee dimuqraadiyada lahayd waanan ku
hambalyeynayaa”, isagoo xisbiyada kale ku booriyey inay ku daydaan sidaa
kulmiye sameeyey.
Waxa kaloo uu sheegay Mudane, Alun Michael in ay Adna Adan Ismaciil
imanayso Xagaaga soo socda halkan si ay u gudoonto Shahaado Sharaf ay
siinayso Jaamacada Wales, taas oo ay ku mutaysatay Waxqabadkeedii
balaadhnaa ee dhinaca caruurta iyo Haweenka.
Mudane Allun waxaa la weydiiyey su, aal aad u mihiim ahayd oo ahayd
Maxaa hortaagan Aqoonsiga Somaliland, , Wuxuu ku jawaabay Horta dalkan
Somaliland Xoriyad ayuu helay, muddo gaabana waxuu ahaa Xor, taasi
sharciyan oo ah mid suurta-gal ka dhigaysa gooni-isutaaga, Balse ma
jirto Maxkamad taas fulin kartaa, waana arin u baahan dadaal dal-dal
loola xidhiidho waxaana la doorbidayaa dalalka Africa, Itoobiya waxay
noo sheegtay inayna ugu horeynayn oo ay taariikh ahaan adagtahay, waa
laga yabaa inay South Africa Bilowdo, Dadaalka runta ah waxa ka laga
doonayo Reer Somaliland, waxaana lagu talinayaa inay wadahadal la
yeshaan Somalia, mase la ogola in dhismaha Dimuqraadiyada Somaliland la
wiiqo, Taas ayaanu Madba ahaan markasta Difaacaynaa.
Geba-gebadii Xafladaa qiimaha lahayd waxaa lagu soo dhaweeyey oo soo
khatimay Oday ka mida Odayaasha Jaaliyada Somaliland UK gaar ahaana
Welshka Mudane, Ibrahim Carab Jaamac Wuxuu aad ugu mahadnaqay Madaxdii
sharafta lahayd ee xafladaa ka soo qaybgalay gaarna ahaana Allun Micheal
iyo weliba dadweynihii Somalilandba.
Mudane, Ibraahim Carab Jaamac wuxuu ka sheekeyey Halgankii Dheeraa ee
Mudane Allun Micheal soo maray kana soo shaqeeyey Arimaha Somaliland
welina uu ku jiro, taas oo ku sheegay inaanay is taahilin inaanu lacag
badan ku siino, lakiin ay noqon doonto inaan ku Xusi-doono kuna Xardhi
doono Taariiklhda Jamhuuriyada Somaliland
Taas oo aan doonayno inaanu ku muujino inay ubadkayagu akhristaan
mustaqbalka, Tacabkaa badan ee aad gashatay Somaliland, oo aanu kugu
faano.
Wuxuuna ku dhamaaday Kulankaasi si guula oo ay farxad aad u weyn ku
dheehantahay.
By Adan Yuusuf Cilmi UK.
TV-ga
Madaxtooyada Iyo Idaacadda Hargeysa Oo Faafiyay War Been Ah |
Wajaale/Gabiley, April 16, 2008 (Haatuf) – TV-ga laga
maamulo Madaxtooyada iyo Radio Hargeysa, ayaa xalay laga sii daayay war
sheegaya banaan-baxyo ka dhacay Gabiley iyo Wajaale oo lagu taageerayo
muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Daahir Riyaale. Hase yeeshee
dad farabadan oo reer Wajaale iyo Gabiley ah ayaa sheegay inaan haba
yaraatee wax banaan bax noocaas ahi ka dhicin magaalooyinkaas, isla
markaana ay idaacadda iyo TV-ga ka been abuureen dadka magaalooyinkaas.
Dadkani waxa kale oo ay sheegeen inay jiraan shakhsiyaad Hoolka dawladda
hoose ee Gabiley lagu xareeyay oo uu Maayarka Gabiley Xuseen Jameeco
kula shiray, balse aanu jirin isu-soo-baxa la sheegay ee idaacadda iyo
TV-gu ku celcelinayeen, waxaanu TV-ga Dawladdu isticmaalay muuqaalka
mudaharaado hore oo Gabiley ka dhacay.
“Waxaa looga jeedaa in lagu waxyeeleeyo banaan-bixii reer Burco ee
sharafta lahaa, waxaanuna u aragnaa in meel lanagaga dhacay”. Sidaa waxa
yidhi nin magaciisa ku sheegay Caanteynle oo Haatuf la soo xidhiidhay.
Maaha tani beentii ugu horeysay ee warbaahinta dawladdu kaga been-sheegto
dadka shicibka ah ee Somaliland, balse marar hore ayay sidan oo kale
warbaahinta ummadda u adeegsatay been iyo borobagaande looga dan
leeyahay inay taageero ku hesho Xukuumadda Riyaale iyo xisbul-xaakimka
UDUB. Top
Cuqaasha
Beesha Bali-Gubadle Oo Guurtida Ugu Baaqay Inay Ka Noqdaan Muddo
Kordhinta Riyaale |
Hargeysa, April 16, 2008 (Haatuf) – Bayaan ay soo saareen Cuqaasha Beesha
Arab, ka dib shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen markay taariikhdu
ahayd 13-kii bishan April, isla markaana ay ku lafa-gureen xaalada cusub
ee uu dalku galay.
Ka dib dood dheer iyo falanqayn waxay soo saareen qodobadan hoos ku qoran:-
1- Waxaanu taageersanahay heshiiskii ay soo saareen Komishanka
doorashooyinka Qaranku, saddexda Xisbi Qarana sexeexeen, iyada oo ay
ahayd in ay doorashadu xiligeedii qabsoonto, haddana Soomaalidu waxay
tidhaahdaa waxa Umusha u dan ah ayaa Ilmahana u dan ah. Heshiiskii
saddexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku isla gaadheen wixii laga
daba keenaa waa xaaraan mana taageersanin.
2- Golaha Guurtida waxaanu leenahay idinka ayaa la idiin kordhiyay
muddada, iyada oo aan la isla ogolayn, sharcina aanay ahayn, hadaad
maanta idinkuna keentaan korodhsiimo waxay u muuqataa isku shushubano,
waxaana hore loo yidh Hal xaaraan ahi Nirig xalaal ah ma dhasho. Waxaanu
idin leenahay qodobka aad u cuskateen kordhinta oo aan taagnayn
xiligiisii, oo aan dalku xaalad dagaal ku jirin hadii aad imika ogaateen
Illaahay baan qaldamine bini aadamku wuu qaladamaa, ee ka noqda
kordhintanaas, oo ku waafaqa saddexda Xisbi iyo Komishanka
doorashooyinku waqtiga ay u cayimeen qabsoomida doorashooyinka.
Waxaanu leenay in badan ayaad Awoowayaal dalka nab ku soo daajiseene
maanta ha ku celinina khal-khal iyo dhibaato.
3-Waxaanu heegan u nahay oo aanu u taaganahay ilaalinta nabadgalyada iyo
jiritaanka Qaran-nimada Somaliland.
Magacyada Cuqaasha Bayaanka soo saaray.
1- Chief Caaqil Cabdi Iimaan Jaamac,
2- Chief Caaqil Baashe Cismaan Yuusuf
3- Chief Caaqil Kayse Bade Cabdile,
4- Chief Caaqil Maxamed Xasan Dhameeye,
5- Chief Caaqil Axmed Cayuun,
6- Caaqil Aabi Muuse Cilmi,
7- Chief Caaqil Axmed Barre Caydiid,
8- Chief Caaqil Maxamed Faarax Diiriye
9- Chief Caaqil Deeq Cabdillaahi Cali,
10- Caaqil Xasan Cabdi Jaamac,
11- Caaqil Maxamed Xaashi Khayre,
12 Oday Aadan Cabdi Fidhin iyo
13- Oday Jamaal Simane Cali. ”
Riyaale:
Hogaamiye Lagu Hungoobay |
Maxamed cismaan Dubbe Q-19-aad
Nin ku dilay hadh kuuma jiido!
Xukuumadda ayaa beryahan danbe waxa ay ku talaabsatay xeelado
siyaasadeed oo isburinaya.qaraxyo ay iyadu ka dambayso oo hadana ay cid
kale u xidh xidhayso,muddo kordhin sharci daro ah,iyo cabsi galin ay
dadweynaha kula kacayso ayaa ugu waaweyn waxyaabaha ay dadweynuhu ka
cabanayaan.magaalooyinka waaweyn ayaa isu rogay sidii oo uu milatari
dalka la wareegay.dadka falanqeeya siyaasada Somaliland ayaa ku
tilmaamay in arimahani ay hordhac u yihiin falal kalitalisnimo ah oo ay
xukuumadu ku doonayso in ay xilka ku sii haysato.
Dadka qaarkood ayaa iyagu ku doodaya in xukuumada Riyaale ay horeba ugu
talaabsatay talaabooyin kalitalisnimo ah oo aad u waaweyn.kuwaasi oo ay
ugu darnaayeen xadhigii suxufiyiinta Haatuf,afgambigii dalada
shuro-net,xadhigii siyaasiyiinta urur siyaasadeedka QARAN.
1-Doorasho khaldan (wrong choice)
Haddaba waa maxay sababta uu madaxweyne Riyaale mar kali ah isugu rogay
kali taliye aan jixin jixin aqoon? Dadka reer Somaliland ayaa ku kala
gadisan jawaabta su’aashan.dad badan ayaa ku doodaya in marka horeba
aanu Madaxweyne Riyaale ahayn qofkii ku haboonaa in uu dalkan
hogaamiyo,sababtoo ah bay leeyihiin waa mida koowaade madaxweyne Riyaale
sifihii uu ku dhaxlay kursiga,markii uu marxuum Cigaal dhintay ayaa ahaa
mid qayral dastuuri ah,sababtoo ah bay leeyihiin dastuurku waxa uu
dhigayay in uu xilka qabto gudoomiyihii Guurtida ee wakhtigaasi.hase
ahaatee lama raacin dastuurkii ee waa la baal maray waxaan madaxweyne
loo doortay Daahir Riyaale oo ahaa Madaxweyne ku xigeen. Waxa kale oo ay
dadkani ku doodayaan in mar labaadkii markii ay saddexda xisbi ku
tartameen jagada madaxweynenimada ee uu xisbiga UDUB 80-ka cod kaga
helay xisbiga KULMIYE ay ahayd in la dhiso dawlad wadaag ah,sida imikaba
ka dhacday Kenya.dadka qaarkii waxa ay ku doodayaan in aanu Madaxweyne
Riyaale marka horeba aanu lahayn khibradii iyo aqoontii siyaasadeed ee
dalkan lagu hogaamin lahaa, marka la eego aqoontiisa waxbarasho iyo
tiisa siyaasadeedba oo aad uga hooseysay labadii musharax ee kula
tartamayay jagada madaxweynenimada, kuwaasi oo kala ah Axmed Maxamed M.
Siilaanyo (KULMIYE),iyo eng. Faysal Cali Waraabe (UCID).
2-Urursiga hantida shicibka tabaalaysan (corruption).
Dadka qaarkood ayaa iyaguna ku doodaya in sababta ku kalifaysa in uu
Riyaale isu rogo kali taliye ay tahay isagoo ilaashanaya maaliyada
faraha badan ee uu qaato.dadkan ayaa ku doodaya in madaxweyne Riyaale
mushaharkiisu uu yahay ( 520,000 dollar waxa uu ka badan yahay ka
madaxweynaha maraykanka oo ah 400,000 dollar. Mushaharka Madaxweynaha oo
dhan (2,600,419,200) waxa uu ka badan yahey:
a) Miisaaniyada wasaarada Arrimaha Dibadda (2,074,434,440) iyo ta
cadaaladda (514,069,600) oo la isku daray oo isku noqonaya
(2,588,504,040).
b) Waxa kale oo uu ka badan yahey miisaaniyada Beeraha (1,094,563,148),
ta xannaanda xoolaha (1,088,147,200) iyo ta Hay’ada Nerad (Aafada
dabiiciga ah) oo la isku daray oo isku noqonaaya (2,588,504,040)
c) Waxa kale oo uu ku dhaw yahay afar laabka kharshka tacliinta sare oo
isku dhan (660,000,000)
d) Waxa kale oo aay ka badantahey miisaaaniyada afar (4) wasaaradood oo
la isku daray kuwaasi oo kala ah:
1) Cadaaladda 514,069,600
2) Diinta iyo awqaafta 607,840,880
3) Dib-U-Dejinta 508,136,720
4) Ciyaaraha 775,848,560
Miisaaaniyada oo uu Madaxweynuhu kelidii maamulo ayaa hadana
kharash-kasta oo ku baxa Qasriga Madaxtooyada laga bixiyaa Wasarada
Hawlaha Guud. .waxa xusid mudan in aan madaxtooyada biyaha iyo laydhka
aan midna laga bixin.
Kharashka u gaarka ah ilaalada Qasriga Madaxweynaha waxa uu dhan
yahay(2,152,855,12)
waxaanay ka badan tahey:
a) Miisaaniyada wasaarada khaarajiga iy Ictiraaf raadiska oo ah
(2,074,434,440)
b) Waxa kale oo aay ka badan tahey wasaarada Beeraha (1,094,563,148)
c) Waxa kale oo aay ka badan tahey miisaaniyada caddalada (514,069,600),
miisaanyada Maxkamada Sare (772,236,800) iyo ta Xeer Ilaaliyaha Guud
(653,074,000) oo la isku daray oo isku noqonaaya (1,939,380,400).
Waxa aad xisabta ku darsataa miisaaniyada Madaxtooyada oo iyana ah
$1,703,927. Taasi oo ka miisaniyad badan lix iyo toban (16) wasaradood
iyo todoba hay'adood (7) oo la isku daray miisaaniyadood.
La soco
Garabyada
Haweenka Xisbiyada Mucaaradka Ee UCID Iyo KULMIYE Oo Cambaareeyey
Go’aanka Guurtida Ee Muddo Kordhinta |
“Dhaqaalaha Dalka Waxba Laguma Qabto, Musuq-Maasuq Baa Dalkii Lagu
Dhamaystay oo 37 Markab Ayaa Lala Galay Heshiis Oo Xaalufiyey
Khayraadkii Dalka”
Hargeysa, April 16, 2008 (Haatuf) - Masuuliyiinta garabka haweenka ee
xisbiyada mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa cambaareeyey go’aankii
golaha Guurtida ee muddo kordhinta xukuumada Madaxweyne Riyaale, kaas oo
ay ku tilmaameen mid qayrul sharciya.
Waxaa haweenka xisbiyada mucaaridku eedaymo u soo jeediyeen qoyska
Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin siiba marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo
ay ku tilmaameen mid caado ka dhigatay musuq-maasuq iyo ku tagrifalka
hantida ummada. Sidaana waxa ay haweenku ka sheegeen shirjaraa’id oo ay
haweenka xisbiyada mucaaradku shalay wada jir ugu qabteen xarunta
xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa. Ugu hirayna waxa shirkaas ka hadashay
Afhayeenka garabka haweenka ee xisbiga UCID Xaliimo Ismaaciil Raage
waxayna tidhi “ sharci darada Golaha Guurtidu soo jeediyeen ee muddo
kordhinta ah waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba ku celcelinaya sharci
darada golaha guurtidu ay dastuurka ku jabiyeen ee mudadii dhamaatay ay
muddada kale ee qayral sharciga ah ugu kordhiyeen taasi oo ay dalka ugu
talo galeen, burbur iyo fawdo abuur iyo inay na-qixiyaan, dhibaato inay
noo horseedaan waase aanu diidanahay. Waxaan kasoo baxnay oo dalkaygu
kasoo daalay dagaal, dhibaato, burbur agoomo dil, qaxooti waxay
doonayaan guurtida iyo Riyaale inay mar labaad dib noogu celiyaan yeeli
mayno taa waanu kasoo horjeednaa, madaxwaynahana waanu cambaaraynay
sharci darada qayral xadka ah ee ay doonayaan inay nagu burburiyaan,
caruurtayadii waxay ku dhamaatay tahriib, camal la’aan baana haysata.
Caruurtii intaas oo kun ayaa maalin walba isku guraysa doonyaha oo badu
liqaysaa, dhaqaalaha dalka kasoo baxa waxba naloo guma qabto, marwada
koowaad musuq masuq ayey dalkii ku dhamaysay oo ku laasatay waxaanay
samaysay 37markab oo calanka Somaliland ka taagan yahay ay la gashay
heshiis oo saxeexyadoodii laga helay xaalufiyayna khayraadkii dalka.
Dhamaan khayraadkii dalka maraakiibtaa ay Hudi kow ka tahay ayaa
xaalufiyey. Waxay badu leedahay sida kaymaha hawdkeenu u baxaan ayey
kaymo u leedahay oo khayraadka bada ku jira daaqaa kuna nool yahay yahay
waxaa la galiyey shabagyo tiro badan kuwaas oo waxba reebaynin oo dib
loogu aayayn oo nabaad guurisey badeenii Huda ayaa kow ka ah. Waxaa la
ogaa bishii u horaysay 2007kii markay musuq maasuqaa soo bandhigtay
Haatuf jabkii iyo balanbalkii xasuuqii iyo dhibaatadii kasoo gaadhay ee
jeelka mandheera maxkamada looga dhigay goob joog ayeynu wada ahayn,
hadii la taabto dalkan musuq maasuqa ay ka gaysteen qoyska madaxtooyadu
ee Qaahira ka dhisteen two tower kii marykanka laga dumiyey oo kale ee
ay ka dhisteen xaafada maalqabeenada Qaahiri ay guryaha ka dhistaan,
qofkii tilmaamana miyaa la qabsanayaa,” ayey tidhi Xaliimo Ismaaciil
iyadoo intaa ku dartay inay marwada koowaad soo dhaaftay heerkii marwo -nimo
ee ay gurigeeda ku joogtay ileyn dawlad xil uma haysee.
Waxaa kale oo iyana halkaa hadal kooban kasoo jeedisey Gudoomiyaha
Gobolka Qaranka haweenka ee UCID Sahra Xirsi waxay tidhi “ Qofwalba waxa
uu hadlaa rayigiisa iyo garashadiisa, aniga oo ku hadlaya afka garabka
haweenka waxaan raacsanahay oo garab taaganahay saddexda xisbi go’aankii
ay qaateen taa waanu ku raacsanahay hadaanu nahay garabka haweenka ee
KULMIYE garabka haweenka ee UCID, dhalinyarada labada xisbi qaran taas
oo aanu heshiis ku nahay jecelahayna inaanu anagu had iyo jeer noqon
kuwa fadado kiciya, inaanaan noqon kuwa dalkooda burburiya, horu socod
ayaa Somaliland lagu ogaa saddexdii doorasho ee hore si sharafleh oo
qurux badan oo la is dhinac taaganyahay oo wax la isku haneeyo bay u
dhacday, aniga oo jecel dalku inuu wax noqdo, dadku inuu wax noqdo,
Somaliland gooni isku taageeda inaanu baahino, cadawga inaynu u jabin,
hadalkana waxaa laga raacaa Rag iyo Dumarba inta muhiimka ah qofkii
doorashada ilaahay siiyo waa nasiibkii laakiin wuxuu qofku xaq u
leeyahay iyo xisbigu wuxuu xaq u leeyahay iyo dalku wuxuu xaq u leeyahay
iyo dadku waxay xaq u leeyihiin hala mariyo marka la mariyo wakhtigii
doorashada dee cida heshaa waa nasiibkeed laakiin yaan la bilaabin buuq
iyo qaylo afxumo iyo sumcad xumo somaliland ku dhacda oo aynu ugu jabno
cadawga, taasna aniga ka soo hor jeeda, marka wakhtigu gaadho nin walba
waxa uu ilaahay ugu talo galay buu qaadabayaa, laakiin jiid-jiid iy
fadeexad afxumo ceeb iyo somaliland oo sharaftu ka dhimato ama cadowgu
soo hiigsado, hadaanu nahay hooyooyinka somaliland ma ogalin waxaananu
ka dhimanaynaa, waxanu ka soo baxnay qaxooti hawd baanu uga googo’nay oo
qaxootinimo ayaanu sanado ku soo qaadanay, oo itoobiya marti u soo
noqonay markaa inay Somaliland reefas ku socoto sida baabuurta, uma
baahnin,, intaa kadibna waxaa hadal iyaduna ka jeediyey shirkaas ay wada
jirka u qabteen garabada haweenka ee labada xisbi mucaarid , Gudoomiyaha
garabka haweenka ee KULMIYE ee gobolka Maroodi Jeex, Layla Cismaan
waxaanay tidhi “waxaanu marka hore si wada jira u taageeraynaa
go’aannkii labada xisbi ee ahaa maalinta dawlada mudadeedii ku eeg tahay
15ka may go’aankaas waxaanu ku racsanahay gudoomiye-yaashayada in 15ka
may marka ay gaadho muddadii xukuumadu dhamaatay sharci lagu kordhiyaana
aanu jirin aanu oolina horta taas waxaanu ku raacsanahay xisbiyadayada
ta kale waxaanu taageersanahay go’aankii saddexda xisbi qaran komishanka
iyo deeq bixiyayaasha ee ay u cayimeen wakhtigaas doorashada taana waanu
taageersanahay, waxaan usoo noqonayaa guurtida, guurtida go’aankeeda
waanu cambaaraynaynaa aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa waanaanu ka
xunahay odayashii dalka ugu waaweynaa ee guurtidii ummada u ahaa inay
wax yar oo aan macnaba lahayn marka si loo eego aan macnaba lahayn ku
burburiyaan nabad galyadii dalka ee mudada dheer loo soo halgamay oo ay
halgankeeda ka mid ahaayeen ee wixii loo soo maray ay ogaayeen inay
muddo yar oo gaaban oo wax aan macno lahay oo afar bilooda ama saddex
bilooda ay fawdo ku galiyaan oo muran ka dhasho waanu ka xunahay may
ahayn run ahaantii ragii sidaa yeeli lahaa guurtidii bay ahaayeen
guurtidu waxa ay ahayd in ay dadka dhex u ahaato wixii mashkilada ee
yimaada inay xalilaan ee may u fadhiyin in ay mishkilad abuuraan waanu
ka xunahay mashaakilka dalka soo food saaray, inay iyagu mashkilad
abuuraan waanu ka xunahay aflagaado ma gayaan, laakiin waanu diidanahay
in ay iyagii noqdaan hay’ad mushkilad abuur ah imikana iyagaa
mashaakilkii abuuray dalkiina fawdo galiyey dadkii iyagaa shaki galiyey
waxay Soomalidu tihaahdaa “Jinni ninkii keenaa bixiya” iyagaa keenay
fawdadan iyagaana looga fadhiyaa sidii ay u furdaamin lahaayeen, ta
muddo kordhinta madaxweynuhu muu ahayn mid lagu soo doortay shir beeleed,
madaxwaynuhu wuxuu ku yimid doorasho, in guurti shir beeleed ku fadhidaa
in ay muddo u kor dhisaa waa foolxumo waana qayrul dastuur, buugan yar
ee intan le’eg sorry soo qaad ayaan lahaa ee waa soo ilaabay, buug
afsoomaali ku qoran, qofwalba oo Somaliland ama Somalia u dhashay wuu
akhriyi karayaa hadii qofkii wax xumaynayaa qodob intuu cuskado dabadeed
siduu doono u fasiro, horta waa ayaan daro inaynu wax ku hagaajisano
ayaynu u samaysanay laakiin in kii meel qaloocinayaaba uu dastuurka
qodob qaato oo siduu doono u fasiro umaynaan qaadan, taa waxaa ka qurux
badnaan lahayd in dasatuurka af kale lagu qoro oo aan afsoomali ahayn si
loo yidhaahdo dadka qaar luuqada uu ku qoran yahay ayay fahmi waayeen si
loo yidhaahdo oo ka wax qaloocinayaa uu yidhaahdo ama af Ingiriisi ayuu
ku qoran yahay ama Carabi ama Talyaani oo qofkaasi wuxuu garan waayay
macnihii eraygaas ama macnihii qodobkaasi ayuu garan waayey baa ka qurux
badnayd, sababtoo ah waxaynu isla fahmi wayney buug yar oo qodobo
af-Soomali ku qoran oo qof waloo reer Somaliland ama Somali ahi fahmi
karo waa mishkilada waxa ina haysta waxa weeyi dastuurkii ayaa qofwalba
sida uu doonayo u fasirtay in loo fasirtana may ahayne waxa ay ahayd in
loo fasirto sidii loo qorayo bay ahayd, madaxwaynaha waxaan leeyahay
doorashaad ku timide ku maad iman shirbeeleed, in aad maqasho odayaal
meel iskugu yimid oo loo dhigay xalin dhibaato loo dhigay meesha inay
kuu kordhiyaan afar bilood iyo saddex bilood inaaad aqbasho taasi adigay
ayaan daro kuu tahay, doorashaad ku timid waa in aad doorasho qabato
hadii aad doorashadii hesho shacabkii shalay codka ku siiyey way
joogaane haa waanu kuu hambalyeynaynaa haa waad helaysaa laakiin waxbaan
afduubayaa oo saddex bilood baan muddo kordhin ka dhiganayaa muddada
sadexda bilood ama sanadka dib loo dhigay waa wakhtigii doorashadu dhici
lahayd, waxaynu isku qasaynaa wakhtigii doorashada iyo muddo kordhinta
dawlada mudo looma kordhin karo doorashay ku timid doorashana la
qabanayaa, waxan la wad-wadaana waa wakhtigii doorashada, markaa waxaanu
dawlada leenahay oo aanu madaxwaynaha leenahay madaxwayne ha u riyaaqin,
wax aan dastuurku ku siinayn, ha u riyaaqin hadal beena, ha u riyaaqin
nimanka agtaada jooga iyo guurtidaba waxay kuu sheegayaan ha u riyaaqin,
ummadan madaxwayne ayaad u tahay mucaaridkooda iyo muxaafid-koodaba,
looma baahna in aad afar nin iyo afar qof taladooda qaadato, waa in aad
ummada taladeeda qaadato anagu mucaarid baanu nahay hadana madaxwaynaad
noo tahay, haa dabcan madaxwaynihii ummada adigaa ah oo maanta fadhiya
oo madaxwayne ah laakiin afar nin oo hoosta kaaga naban oo mucaaridkan
kugu dira mucaaridkani waa ragii dalkan lahaa, meel la tagi maayo hadaan
wad helin ninkii wad helo mooyee, hadii laguu kordhiyo iyo hadii aad
haysato halkan ayuun bay joogayaan oo Illaahay baa boqcadan ku abuuray.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga
Kulmiye Canab Cumar Ileeye, iyo xubno kale oo haweenkaasi ka mid ahaa
iyo waliba dhalinyarada xisbiga UCID, kuwaas oo dhamaantood ka waramay
xaaladaha adag ee dalka ka jira.
Top
|