Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1718 May 2, 2008

Madaxii Hore Ee Gaadiidka Madaxtooyada (Abshir Xasan) Oo Xabsiga Loo Taxaabay

“Wasiirka Daakhiligu Markasta Oo Uu Hadlo Dadweynaha Ayuu Naxli Ku Abuuraa”
Xildhibaan: Maxamed Cismaan Guuleed, Golaha Guurtida

“Waxan Madaxda Warsengeli Ka Doonaynaa Inay Soo Celiyeen Gaadhiga Iyo Darawalka Loo Afduubay Haybta Madaxweyne Rayaale”

Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Oo Dood Kulul Isku Muruxsaday Meel Fagaare Ah

Djibouti Oo Tirtiraysa Cashuurtii Cuntada Daruuriga Ah Iyo Itoobiya Oo Kaabaysa

Dadka Reer Burco Oo Madaxweyne Riyaale Ugu Baaqay Inuu Cashuurta Ka Dhaafo Cuntooyinka Daruuriga Ah

Damaashaad Loo Samaynayo Gobolnimada “Selel” Oo Ka Dhacday Saylac

Budhcad Baddeed Xeebaha Saylac Ka Afduubtay Shan Doonyood Oo Kalluumaysi Iyo Shaqaalihii Saarraa

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Sheegay Inay Talaabo Anshax Marin Ah Ka Qaadayaan Ku-Xigeenka

DALJIRE: “Shimbirtii Oodweynaay Hodhodho”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Madaxii Hore Ee Gaadiidka Madaxtooyada (Abshir Xasan) Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa, May 2, 2008 (Haatuf) – Raxan ka mid ah ciidanka Bileyska ee magaalada Hargeysa ayaa xalay xabsiga u taxaabay Madaxii hore ee Gaadiidka Madaxtooyada, Abshir Xasan Xaashi, kadib markii ay ciidankaas bileyska oo wata ugu yaraan saddex gaadhi oo gawaadhida Tiknikada Bileyska ahi ay ku hujuumeen Abshir Xasan oo xilligaas ku sugnaa hotelka Imperial oo ku yaal xaafadda Shacabka Hargeysa.

Abshir Xasan ayaa la sheegay inay ciidanka Bileysku markii ay qabteen kadib geeyeen kuna xidheen Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa. Hase yeeshee lama garanayo sababta xadhigiisa iyo inay ciidanka Bileysku siteen wax waarran qabasho ah oo ay Maxkamadi amartay, balse waxaa dad goob-joog ahaa xilligii ciidanka Bileysku ku hujuumeen hotel Imperial ay sheegeen inaan wax waarran Maxkamadeed ah la tusin Abshir Xasan, hase yeeshee markii ay gudaha hotelka ugu soo galeen ay tukhaan-tukhiyeen, kadibna guudka u saareen mid ka mid ah baabuurtii ay bileysku wateen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Bileyska oo la xidhiidha xadhigga Abshir Xasan, isla markaana madaxda Bileyska oo aanu qaar ka mid ah la xidhiidha xalay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan sababta la xidhiidha xadhigga Abshir Xasan. Hase yeeshee taliyaha Bileyska Saqadhi Dubad ayaa weriye ka tirsan Hadhwanaagnews oo telefoonka kula xidhiidhay u sheegay inuu ninkaasi u xidhan yahay aflagaado oo aanu caddayn cidda uu aflagaadeeyay. “Waxa loo xidhay kiis uu hore u galay oo ahaa aflagaado iyo dambiyo uu galay oo lagu eedaynayay, oo awalba loo doonayay isaga. Marar hore ayuu dalka ka baxay, haddana dhawaan ayuu ku soo noqday. Sidaa awgeed waanu helay dabadeedna waanu xidhnay,” ayuu yidhi Saqadhi Dubad.

10-kii April 2008 ayay raxan ciidamo bileyska ahi isku dayeen inay qabtaan Abshir Xasan, xilli uu ka soo rawaxay xaflad loo qabtay 600 oo haween iyo dhallinyaro ah oo ka soo baxay xisbiga UDUB kuna biiray KULMIYE, xafladaas oo lagu qabtay hoolka Xafladaha ee Panorama ee magaalada Hargeysa, hase yeeshee ciidankaas ayaa ku guul-daraystay inay qabtaan Abshir Xasan kadib markii uu kaga baxsaday gaadhi uu watay.

Warar xilligaas soo bax-baxay ayaa tibaaxay in isku dayga bileysku doonayeen inay ku qabtaan Abshir Xasan uu ka dambeeyay amar dhinaca Madaxtooyada ka soo baxay, iyadoo Madaxtooyadu ku eedaynaysay inuu Abshir Xasan sabab u ahaa inay tirada intaa le’eg ee haweenka iyo dhallinyarada ahi ku biiraan xisbiga KULMIYE.

Waxay ahayd January 2007 markii Abshir Xasan uu shir jaraa’id oo uu qabtay kaga markhaati furay dhacdooyin musuqmaasuq ah oo ay qoyska madaxtooyadu ku lunsadeen hanti qaran oo uu soo daabacay wargeyska Haatuf, taas oo loo xidhay saddex suxufi oo ka mid ah wargeyskan, waxaana la sheegay in ciidamada Sirdoonka Madaxtooyadu ay ilaa muddadaas ku daba-jireen Abshir Xasan oo ay doonayeen inay gacanta u soo geliyaan madaxtooyada Somaliland si loogaga aargoosto markhaatigii uu ku furay musuq-maasuqa uu wargeysku soo bandhigay, iyadoo wararku ay sheegayaan in Marwada Madaxweynuhu si gaar ah ay ugu taamaysay in mar uun loo soo qabto Abshir Xasan.

Abshir Xasan waxa uu hadda ka mid yahay hawl-wadeenada ugu firfircoon xisbiga KULMIYE, gaar ahaan garabkiisa dhallinyarada, waxaanu imika xubin ka yahay golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Abshir Xasan Xaashi, waxa uu hore uga shaqayn jiray Madaxtooyada Somaliland, isaga oo ahaa madaxa Gaadiidka Madaxtooyada iyo wadaha gaarka u ah Marwada Madaxweynaha, Marwo Huda Barkhad Aadan, hase yeeshee Abshir Xasan waxa uu iskii uga tagay shaqadii Madaxtooyada uu u hayay dabayaaqadii sannadkii 2006-dii.
 


 “Wasiirka Daakhiligu Markasta Oo Uu Hadlo Dadweynaha Ayuu Naxli Ku Abuuraa”
Xildhibaan: Maxamed Cismaan Guuleed, Golaha Guurtida.

Hargeysa, May 2, 2008 (Haatuf) – Xildhibaan Maxamed Cismaan Guuleed Libaaxo oo ka tirsan golaha guurtida ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Ciro ku eedeeyey talaabadii uu ku laalay degmooyinka cusub ee ay golaha deegaanka caasimadu ku kordhiyeen caasimada, taasoo uu ku tilmaamay in wasiirka daakhiligu uu shacbiga kala dhex dhigay turxaan iyo naxli isagoo intaa ku daray in aan shacbigu aqbalaynin go’aankiisa oo uu ku sheegay mid uu ku degdegay, sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu shalay soo gaadhsiiyey xarunta wargeyska Haatuf qoraalkiisaasina waxa uu u qornaa sidan:-

Mudaharaadkii todobaadkan ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, wasiirka daakhiligu C/laahi Ismaaciil Cali Ciro waxa uu uga hadlay dhacdadaasi si marin habawsan oo xadgudub iyo meelka dhac ku ah milgaha xilka wasiirnimo, isagoo markii mudaharaadku dhacayba, isagoon waxba hubsan yidhi, waan laalay dagmooyinkaasi la magacaabay, waxay ahayd arin wasiirku ku dagdagay, isagoo caadaystay wasiirka daakhiligu dhacdo kasta oo uu ka hadlo, uga hadla si marin habawsan, oo iska hor imanaysa, oo aan lahayn nuxur xaqiiqa ah oo loogu soo hagaago, iyadoo waxa ay dadku ka mudaharaadayeen ay ahayd, khilaaf ka dhashay magacbixinta Sheekh Cumar, arinkaasina u baahnaa in uu gudi farsamo oo xalisa u saaro nasiib darase ka fiirsi la aanta xilka masuuliyada wasiirnimo awgeed uu si lama filaana usoo tuuray go’aankiisa dagdaga iyo hadalo masdawihisa ka hooseeya, arinka uu ku dhawaaqayna, dadku ma aqbalayo, xaafadihii golaha deegaanka caasimada ee la doortay ay magacaabeen xaflado ay dadweynuhu u qabsanayaan, golaha deegaankuna iyagaa xaq u leh inay xaafadaha, waxaana habooneyd in magaca khilaafku ka dhashay uu xal u raadiyo arinkaasna wasiirka daakhiligu wuu ku guuldaraystay, haduu sharci daro u arkana maxuu wasiiirku uga hadli waayey arinkaasi markii ay golaha deegaanku ka doodayeen ee ay go’aanka qaadanayeen, taasoo ahayd laba todobaad ka hor oo warbaahintuna shaacisay, cid kastaana ogayd, waxaase muuqata in shaki badan iyo labac labac ku jiro qaraarka wasiirka daakhiliga waxaanan leeyahay wasiir caqli maaha, waxaa kale oo iyaduna milgaha dhaqanka meelka dhac ku ahayd habdhaqankii ay salaadiintu uga hadashay shaqaaqadaasi, iyagoo aan qiimaynin khasaarihii meesha ka dhacay iyo arnka laga mudaharaadayey waxa uu mudanaa, balse ma,arag habdhaqan ka fog milgaha madaxa dhaqanka, iyaga oo aan farta ku fiiqin shakhsiyaadkii dhalinyarada kicinayey, waxaase ayaan daro ahayd hadalkii uu ku hadlay Suldaan Cumar Suldan Maxamed, oo dadka argagax ku noqday kaasoo saxaafada ku soo baxay ahaana, magaalada Hargeysa cidna uga qixi mayno in anaga nalooga qaxo mooyee, hadalkaas oo aan la garanayn waxa ka keenay Suldaanka, iyo waxa kalifay toona, waanaan usoo jeedinlahaa Salaadiinta inaanay u hadal sidii kaabe kooxeedyada somaliya, balse ay ku sifoobaan odhaah dhaqameed suuban, cid diidi kartana majirto in magacyada Cabdi Iidan, Sheekh Sancaani iyo Faarax Nuur, iyo Sheekh Cumar loo bixiyo xaafadaha cusub waxaase wanaagsan in la saxo wixii toosin u baahan.


 


 “Waxan Madaxda Warsengeli Ka Doonaynaa Inay Soo Celiyeen Gaadhiga Iyo Darawalka Loo Afduubay Haybta Madaxweyne Rayaale”

Boorama, May 2, 2008 (Haatuf) – Xubin ka tirsan aqoonyahanada beelaha Samarroon ee degaanka Itoobiya, balse abtirsiin ahaan kasoo jeeda Beelaha Somaliland ayaa ka dalbaday in xukuumadda Rayaale iyo beesha wersengeli ka joogta Somaliland u hawlgalaan sidii loo sii deyn lahaa gadhi noociisu yahay Land cruiser, kana diiwaangashan magaalada Jijiga ee xarunta kililka shanaad ee dawladda soomaalida Itoobiya iyo darawalkiisii oo dhawaanta laga afduubey degaanka dhagaxbuur, ooka tirsan isla gobolada Soomaalida Itoobiya.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh Mid ka mid ah waxgaradka Beelaha Samaroon oo magacisa la yidhaa Cismaan sh. Cumar sh. Muxumed kana mid dadka ku nool jijiga oo socdaal gaabanna kusoo gaadhay Boorama ayaa ka warramay sidii loo afduubay gaadhigaasi iyo darawalkiisii oo aan ilaa haatan la ogeyn meel loola kacay, balse lagu warhelay in koox budhacad ahi ka afduubtay gaadhigaasi Itoobiya una kaxaysteen dhinaca maamulgoboleedka Puntland
Cismaan sh. Cumar oo arrintaa iiga warramayna waxa uu yidhi ;

"Bishii march 23keedii 2008da ayaa waxa anagoo joogna jijiga noo yimi nin xildhibaan ah oo ay qaraabo ama isku hayb yihiin C/laahi Yuusuf, waxaanu ninka gaadhigaa gacanta ku hayey ka codsaday inuu ka kireeyo, oo uu geeyo degaano ama degmooyin kililka shanaad ka mid ah.
Sidii ayaanu ku kaxaystay, kaddibna gaadhigaasi la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay, Ninkii ka kireystay oo jijiga kus oo laabtay ayaan raadinay cid garanaysa, waan hellay, wuxuuna noo sheegay in gaadhigaasi aano hore oo ka dhaxaysay beesha Madaxweyne Rayaale ee Jibriil Yoonis ama madaxweynaha Somaliland, iyo beesha Warsengeli, aanadaas oo aanay sheegin waxay ahayd balse loo malaynayo inay ku lug leedahay dad loo haysto falal argagixiso oo ku xidhan Somaliland, dad la waayey, ama lagu waxyeeleeyey.

Sidaa darteedna arrintaasi oo muddo dheeri kasoo wareegtay loo baahan yahay in degdeg ay ugu hawlgalaan xukuumadaha Somaliland iyo odayada iyo waxgaradka beelaha Warsengeli, gaadhigaa iyo darawalkiisiina loo soo celin lahaa.

Gaadhigani waa landcruiser u shaqaynayey shirkad jaad oo fadhigeedu yahay Boorama, darawalkan oo lagu naanayso Goobe, kana soo jeeda ardaayada beelaha Jibriil Yoonis, Waxa kale oo an xusuusinayaa cid kasta oo gaadhigaasi iyo darawalkaasi, oo lagu sheegay degaanka Garoowe, inay u hawlgalaan soo celintiisa iyo badbaadinta darawalkaasi, labada dhinac ee wax kala tirsanaya arrintooda lagu dhameeyo xal nabadeed."

 


 Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Oo Dood Kulul Isku Muruxsaday Meel Fagaare Ah

“Annagu Mawqifkayagii ayaanu taagannahay, Madaxweyne ku-xigeenka Waxaan Leeyahay Bal Quraan Saar oo wuxuun la kaalaya” Faysal Cali Waraabe

“Ayaar Oo Dhalatay Dadka Amaanadiisa u celiya maalinta ay gaadho 15-ka May” Axmed Siillaanyo

“15-ka May Gambo Dhici mayso, Ninka Na Bedelayaana Doorasho Haku yimaado, maalinta doorashada la qabanayana Komishanka Leh” Madaxweyne ku-xigeenka
Hargeysa, May 2, 2008 (Haatuf) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka ah Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siillaanyo ayaa shalay dood kulul oo ku saabsan khilaafka cakiran ee ka taagan doorashooyinka isku dhaafsaday meel fagaare ah, taas oo ay saddexda hoggaamiye badka soo dhigeen mawqifyo kala duwan, waxayna doodda caynkaas ahi ka dhacday xaflad loo sameeyay Telefiishanka Hargeysa Cable oo loogu wanqalay magac cusub oo ah Horn TV, iyadoo uu Horn TV markii u horeysay maalintii shalay galay khadka satellite-ka ee caalamka oo dhan laga daawado.

Munaasibaddaas oo ay aad uga qayb-galeen hoggaamiyeyaasha mucaaridka iyo kuwa Xukuumadda, waxay si weyn ugaga hadleen khilaafka cakiran ee wakhtigan xaadirka dalka ka taagan, sidaas darteed gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay waxa uu ugu horeyn ka hadlay warbaahinta iyo kaalinta looga baahan yahay, wuxuuna yidhi: “Marka aynu ka hadlayno warbaahinta waxaad moodaysay in walaaladaydii iga horeeyay ay dulucda hadaladoodu ahayd aan dalkeena ceebta ka ilaalino, aynu sumcadeena ilaalino, yaan warar xun laga sheegin. Laakiin warbaahinta dunida ee xorta ahi waxay u samaysan tahay in wararka jira ama ha xumaadeen ama ha wanaagsanaadeene ay dalka iyo dunidaba gaadhsiiyaan, markaa hadii aynu doonayno inaynu wararka xun dalka ka ilaalino oo sumcad xumada ka ilaalino, ma aha in xilkaa culus warbaahinta la saaro, waayo warbaahintu wixii jira ayay sheegayaan oo ay tahay inay sheegaan, ee cidda xilkaasi saaran yahay ee masuuliyaddaasi saaran tahay inay ilaaliyaan wixii dalka xumaan iyo ceeb ku keenaya, ama dawlad ha noqoto, ama mucaarid ha noqoto, ama dadka kale ha noqoto’e waa inay ilaaliyaan. Waxaan xusuustaa wakhtigii uu Ingiriisku ku dagaalamayay Fockland ee uu dagaalku ka dhex socday iyaga (Ingiriiska) iyo Argantine, markaa oo ay Margaret Tarcher ra’iisal-wasaaraha ahayd, ayay BBC-du wixii dhacayba sheegaysay. Dabadeedna ra’iisal-wasaarihii ayaa aad u qaylisay oo ku tidhi BBC-da ‘wadani-nimo xumo ayaa idinka muuqata, oo isagoo dalkeenu dagaal ku jiro oo ciidankeenu dhimanayo, ayaad taa iyo taa sheegaysaan’ dabadeedna waxay ku yidhaahdeen ‘ra’iisal-wasaare hawshaasi adiga ayay ku saaran tahay oo lagaa rabaa sidii ciidankeenu iyo dalkeenuba u guulaysan lahaayeen, ee annaga xilku wuxuu naga saaran yahay sidii aanu u sheegi lahayn warka jira. Markaa waxaan qabaa inta maamulka haysa iyo inta dadweynaha ahba haddii aynu doonayno inaynu dalkeena xumaanta ka ilaalino aynu xumaanta ka ilaalino oo falalkeenu haka ilaasheen. Marka warbaahinta laga hadlayo waxay u qaybsan tahay laba nooc oo kala ah warbaahinta madaxa banaan iyo ta la yidhaahdo warbaahinta Qaranka ee magaca weyn leh, sida TV-ga qaranka, Raadyowga iyo jaraa’idka ee la leeyahay qaranka ayay ka dhaxaysaa, taasi waa warbaahinta maamulka maanta jira, waxaa annaga na rajo gelinaya oo aanu taageeraynaa warbaahinta madaxa banaan, anigoo Madaxweyne ku-xigeenka aad u ixtiraamaya waxaan leeyahay iyagu [Xukuumadda] way ka naxayaan oo kuma faraxsana warbaahinta madaxa banaan oo dacar kaga qadhaadh, waxayna jeclaan lahaayeen inay TV-ga Qaranka iyo Raadyowga dadka ku qafishaan oo aanay wax kale dhegaysan.”

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay xaaladdan maanta isagoo naqdiyay mawqifka Xukuumadda, wuxuuna yidhi: “Wax alaale wixii ay ummaddu qabsatay Madaxweynuhu isagaa sheegtay, wuxuu yidhi biriijka annagaa dhisnay, biriijkuna waa kii shacabku dhistay ee gudo iyo dibadba shacabka laga soo ururiyay, waar xagee baad Cusbitaalada ku dhisteen, waar halkeed dugsiyada ku dhisteen, wixii ummaddu qabsatay ayaad sheeganaysaan. Waxyaabo badan oo dalka ka socda ayaanu ognahay, sida hanaankii geedi-socodka dimuqraadiyadda oo lagu tuntay, iyo wakhtigii doorashada ee laysku raacay ee axsaabta iyo komishanku saxeexeen, iyadoo weliba wakhtigeedii dib u dhacay inay dawladdii iyo maamulkii diideen, in hay’adihii ina caawinayay, guddidii dhexdhexaadka ahaa iyo shacbigii uu dareenkoodu kor u kacay oo la doonayo in laga duwo jidkii dimuqraadiga ahaa, taasina waa caddaan, annagu waxaanu leeyahay waa khalad, mana aha wax ummadda iyo shacbigu qaadan karaan ee halagu soo noqdo hanaanka dimuqraadiga iyo waxa danta shacbigu ku jiro.

Madaxweynuhu wuxuu yidhi wixii sidaas iyo sidaas yeeli waaya way saqiirayaan, sidii maalintii dhawayd carruurtii la laayay oo kale oo uu yidhi sidii ay carruurtaasi u saqiireen ayaad u saqiiraysaan, markaa waxaan leeyahay shacbigani iyaga cid walba dalka ka jecel oo u soo halgamay, ee waxaan idin leeyahay si xarago iyo qurux leh aayar oo dhalatay dadka amaanadiisa ugu soo celiya maalinta ay gaadho 15-ka May.”

Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo isna halkaa ka hadlay ayaa isna ka hadlay xaaladda wakhtigan taagan, wuxuuna yidhi: “Axmed (Siillaanyo) TV-ga Qaranka wuxuu gaadhsiiyay heer qaran’e ee anigu waxaan idhi heer qoys ayuu marayaa, waxaana lagu soo iibiyay cashuurtii dadka, markaa waa inuu dadka ka dhexeeyo, waa in mucaaridkana fikradiisa laga sii daaya, madaxtooyaduna faraha kala baxdaa. Dadkan dibadda ee Jaaliyadda samaysan kari waayay, ee Laas-caanood laba dollar u soo diri kari waayay qaylo ayay nagu wareeriyeen, xalay ayay ila soo hadlayeen oo waxay yidhaahdeen waar dalka miyaad duminaysaan? Markaa horta inaan dalka la duminayn taas ogaada.

Waxaynu samaysan wakhti sidii ay doorashadu inoogu dhici lahayd oo ahaa in July 1-da dawladaha hoose la qabto, 30-ka August-na madaxtooyadu inoo dhacdo, deeqdaasi annaga ayay naga timid mucaarid ahaan, dawladdana waanu la saxeexanay, haddana wakhtigii wuu naga dhacay, kolba wixii ay samaysano ayaa inoo sharci ah oo wakhti kale ayaanu samaysanay, markaa hadduu jiro heshiis guud oo lagu midaysan yahay waa inoo sharci, wakhtiga kale ee aynu samaysanay annaga [UCID] iyo UDUB ayaa wadanay, ee KULMIYE wuxuu lahaa inaga dhaafa diiwaangelinta, laakiin waanu ku khasabnay, saddexdayadii ayaa heshiiska wada saxeexanay, kadibna Guurtidii ayaa laaday oo cirka ku shareertay, annaguna mawqif kulul ayaanu istaagnay, dawladduna meel ayay istaagtay, markaa taa macnaheedu maaha inaanu kama-dambaystii istaagnay ee markaanu aragno wax dadka dan u ah oo nabadda dan u ah, oo doorashadeenu inoogu soconayso waanu ogolnahay inaanu ka hadalno, ee dawladdu hanala fadhiisato oo wixii dacwad ah ee ay qabto haka hadasho inta ay iska bixiso shaadhka keligaa-cunka ah. Annagu mawqifkayagu wuxuu taagan yahay 15-ka May, laakiin waynu ka wada hadli karnaa oo iyagu way odhan karaan aanu guurno ee na daaya, way odhan karaan qaar aan daadino, laakiin ta aan laga guuraynin waa jadwalka doorashada (timeline). Waxa weeye 3 bilood iyo sagaal bilood waa isku mid, laakiin caalam ayaynu wax la galnay oo lacag baa laynoo ururiyay, markaa haddii aynu rabitaanka caalamka iska lumino wax dambe la inoo qaraamaadi maayo, dawladeenuna lacag ma haysato oo iskuma filnin, markaa waa in wakhtigii laysla gartay lagu soo noqdo, Madaxweyne ku-xigeenkana waxaan leeyahay Sheekh bal haddii aad doontid qur’aan saaroo bal wuxuu la kaalaya.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna arrimaha taagan ka hadlay waxaa hadaladiisa ka mid ahaa: “Komishankeena waxa la magacaabay February 2007, xiligaa waxa ka soo wareegay sannad, markaas kaabis iyo wax ka bedel hadduu jiro xilligaas ayaa laga hadli lahaa oo inta ay xeerka falanqeeyaan laga hadli lahaa, markaa maanta iyadoo kawaanka timid xeerkii wax halaga qabto waa mid acuudu billaah, anigu xeerkaa waxaan doonayaa inaan laba qodob oo muhiim ah ka sheego oo kala ah qodobka 12 iyo 13aad. Haddii aan qodobka 12aad oo ah dhaqangelinta diiwaangelinta dulmaro wuxuu odhanayaa diiwaangelintu waxay soconaysaa bil ilaa saddex bilood dhaqangelintiisuna waa lix bilood, berigaa waa laga dooday, waxaa la yidhi waxaa soo bixi kara laba coddeyn, waxaa soo bixi kara dad ku maqan Itoobiya oo soo gala ee waa in wakhti la siiyo dadka dibadaha ku maqan, dadka reer miyiga ah, dadka qaan-gaadha lixdaa bilood waa in iyagana la qoro. Anigu halkaas maalintaa waan fadhiyay oo waanigii lahaa Komishanow cunaha hays qabanina lix bilood ayay dhaqan-gelintiisu soconaysaa. Maanta waxay ahayd in qof kasta oo Somalilander ahi korka ka hayo diiwaangelinta, Komishanku wuxuu fadhiyay xafiiska sannad iyo dhawr bilood, qodobka 12aad wuxuu leeyahay komishanka waa inuu dhaqangeliyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada, qodobkan xarafkiisa labaad wuxuu leeyahay diiwaangelintu waxay soconaysaa muddo aan ka yaran bil kana yareyn saddex bilood, xarafkiisa 3aadna wuxuu leeyahay Komishanku isagoo adeegsanaya warbaahinta kala duwan ee dalka ka jirta waa inuu daabaco isla markaana baahiyo xilliga loo cayimay diiwaangelinta iyo dhammaan wixii xogo ah ee muwaadiniintu u baahan yihiin inay ogaadaan, xarafkiisa 4aadna wuxuu leeyahay komishanka waxaa ku waajib ah inuu baro isla markaana ku wacyi-geliyo muwaadiniinta muhiimada ay diiwaangelintu leedahay, xarafkiisa 5aad wuxuu leeyahay si arrintaa loo suurto-geliyo Komishanku waa inuu diyaariyo barnaamij qayb ka ah geedi-socodka diiwaangelinta looguna talo-galay in lagu baro laguna wacyi-geliyo dadweynuhu inay isu diyaariyaan doorashada, xafarka 6aadna wuxuu leeyahay Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xilliga doorashada la qabanayo, isagoo ku soo saaraya dikreeto Madaxweyne, kadib marka uu helo soo jeedinta Komishanka qaranka muddo 15 casho gudahood ah.

Qodobka 13aad wuxuu leeyahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha Komishanka ayaa ansixinaya doorasho kasta, hase yeeshee Komishanku waa inuu furo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorasho kasta. Masalan diiwaangelintii goleyaasha degaanka ayaa dhammaatay, waa in doorashada kale la furaa diiwaangelinta muddo aan ka yarayn bil gudaheed lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta, si loo diiwaangeliyo codbixiyeyaasha cusub, iyo wixii isbedel ku yimi codbixiyeyaashii hore. Markaa marka aynu dhamayno diiwaangelinta codbixiyeyaasha weji ayaa inaga baxaya. Komishanku haddii ay jadwal dhigaan wuu isbedeli karaa oo maalin buu isbedeli karaa, bil ayuu isbedeli karaa, laakiin oodo dhacameed haddii aad ta sare ka tagto oo aad tidhaahdo tii hoose ayaan jiidayaa wax baad kharibtay oo horta oodda sare ee ina hortaala hala qaado, taas oo ah diiwaangelinta codbixiyeyaasha, markaa weji ayaa baxaya.

Waxa kale oo jira nin kasta oo musharax golaha degaanka ah sharcigu wuxuu siinayaa laba bilood oo olole ah Komishankuna wuxuu xaq leeyahay inuu 45 cisho goobihii uu sanaaduuqda dhigayay sameeyo.

Markaa waxaan u soo noqonayaa tan laysku haysto, nin baa wuxuu yidhi waar dadku miyay is-af-garan la’yihiin, mise muuqooga ayaa jooga oo maankoogu wuu maqan yahay. Horta Guurtidu sharci ayay u leeyahay inay wax kordhiso, laakiin maalinta doorashada la qabanayo Komishanka ayaa soo sheegaya, isweydiintu waxay tahay ma Komishanka iyo Axsaabta ayaa wax kordhin kara? Taasi waa maya ee cid baa leh, cidii lahaydna way kordhisay. Markaa inaga waxa inoo yaala haddii Komishanku yidhaahdo 31 December doorashadii Madaxtinimadu way dhacaysaa, oo ay Axsaabtii isla waafaqaan way dhacaysaa oo taasi waa khasab, in laysku dawakhiyo waxaan jirinna maaha, waxaan leeyahay ummaddan yaan la jahawareerin, inaguna yaynaa is jaha wareerin ee horta diiwaangelinta ina hortaal aynu dhammayno.

Mucaaridka waxaan loola yaabin waa Geel aan cokonayn, Geella aan cokonaynina marka dalka la keeno wuu jibaadaa, annagu darkii ayaanu galnay ee qolada mucaaridku yaanay taas dhibsan, laakiin mid baa waajib ah dadkeena wax-ma-garatada ah yaynaan khalkhal gelin, wadankuna ku dhici maayo meel madhan (vacuum), maalinta kursiga layga helo waxaan leeyahay soo dhowow hawl baad iga furateen, laakiin marka la leeyahay 15-ka May caynkan iyo sidan ayay noqonaysaa, waxaan leeyahay gambo noqon mayso, gambana dhici mayso, dalkan dadkaa leh, waxaanuna diyaar u nahay inay dhacdo doorasho xalaal iyo xor ah. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay in ninka na bedelayaa doorasho ku yimaado oo uu kursiga nagala wareego. Qolada leh sannad iyo badh kadib hala kaabo xeerka diiwaangelinta iyagana maan garan ee ha u tageen qolada sharci dejinta ee yayna Madaxweynaha waxba is-qabqabsan. Qolada komishanka waxaan leeyahay qoladii idinka horeysay hadday is-qabtaan aqal bay isku xidhan jireen ee waxooda way qarsan jireen, ee qoladiinan maalinba mid baar-caddeynayo sidee ayay u noqoonayaan garsoorkii ummadda, ninka garsoorka ahi maaha inuu hadlo ee maalinta xukunku yimaado ayuun buu hadlaa, markaa qoladii hore taas waa idinkaga fiican yihiin boqolkiiba boqol.”
 


 Djibouti Oo Tirtiraysa Cashuurtii Cuntada Daruuriga Ah Iyo Itoobiya Oo Kaabaysa

Addis Ababa, May 2, 2008 (Haatuf) – Dawladda Itoobiya iyo Djibouti ayaa Arbacadii dhaweyd ku dhawaaqay tallaabooyin ay mid walba dhinaceeda kula tacaalayso ascaarta cuntooyinka ee kor uga kacday caalamka si ay inta karaankooda ah u yareeyaan waxyeelada dadkooda ka soo gaadhi karta iyada oo madaxda labada dawladoodba ay warwar xoog leh ka muujiyeen maceeshada mar keliya cirka isku shareertay.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zinawi ayaa isagu sheegay in aanay jirin arrin ay xukuumaddiisu kaga degdeg badan tahay inay wax ka qabato oo aan ahayn sidii ay hoos ugu soo celin lahaayeen qiimihii raashinka sare u kacay ee cirka isku shareeray.
Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya waxa uu ku balanqaaday in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto kaabista ay ku samayso ascaarta cuntada daruuriga ah si ay dadweynuhu u iibsan karaan wixii ay cunni lahaayeen.

Dhinaca dawladda Djibouti ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay gebi ahaanba tirtirayso cashuurtii laga qaadi jiray cuntooyinka daruuriga ah ee dibadda laga soo waarido sida bariiska, caano boodhaha, saliidda wax lagu kariyo, daqiiqda iyo qamadida iyo sonkorta.
Dawladda Djibouti waxa kale oo ay sheegtay inay dibadaha ka keeni doonto cunto dalka lagu keydiyo si looga hortago kala go’ ku yimaada cuntada daruuriga ah.

Dawladda Somaliland ayaa iyadu kor u qaaday sicirkii tacriifadaha dekedda iyo qiimihii shidaalka naaftada oo ay mar keli ah kor u qaaday 43%, taas oo cirka ku sii shareertay ascaartii cuntooyinka daruuriga ah.

Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale waxa aan qorshaha ugu jirin inay wax ka qabato maceeshada qaali-garowday taas oo ay u arkaan mid aan xilka saarnayn oo dunidu ka masuul tahay.

Top


  Dadka Reer Burco Oo Madaxweyne Riyaale Ugu Baaqay Inuu Cashuurta Ka Dhaafo Cuntooyinka Daruuriga Ah

Burco, May 2, 2008 (Haatuf) – Kooxo isugu jira ganacsato, aqoonyahano, culimaa’udiin, madax-dhaqameed iyo waxgarad kale oo reer Burco ah ayaa Madaxweyne Riyaale ugu baaqay inuu wax ka qabto cashuuraha qaaliga ah ee lagu takhlay badeecadaha daruuriga ah, iyagoo dalbaday in dhammaan badeecadaha daruuriga ah laga dhaafo cashuuraha dulsaaran, waxayna sidaas ka sheegeen kulan ay habeenkii xalay ku yeesheen Hotelka Barwaaqo ee magaalada Burco.

Kulankaas oo ay qayb ka ahaa kulamo isdaba-joog ah oo ay ku lafo-gureen xaaladda qalafsan ee nololeed ee haysata dadka reer Somaliland, uguna magac-dareen “Sidee u noolaanaa” waxay ka soo saareen qoraal u qornaa sidan:

“Madaxweyne ka dib kulamo ay yeesheen dhamaan qaybaha bulshada ee magaalada Burco oo lagu fallanqeeyay dhibaatooyinka soo wajahay ummadda reer Somaliland ee ay ka mid yihiin abbaarta , sicir bararka, shidaalka qaaliga ah iyo xanibaadda dhoofinta xoolaha nool. Waxa lays la gartay marka laga reebo abbaarta oo ah masiibo dabiici ah oo xagga Alle ka timi in dawladda iyo bayaacmushtarigu masuul ka yihiin dhibaatadaas abuuristeeda, marka ay arintu sidaas tahay waxay waxgaradka reer Burco ee ka kooban dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ku tashadeen inay cabashooyinkooda si toos ah kugu soo gudbiyaan.

Waxa xusid mudan in waqtiga lagu jiro ay dalka ka jirto abbaar aad u xoog badan, taas oo aad dadka u samaysay Somaliland miyi iyo magaaloba, hadaba waxa dadka reer Burco si rasmi ah uga cabanayaan saddex arimood.

1- Shidaalka qaaliga ah, arintaas oo ka dhalatay laba arimood
A. Shidaalkii oo loo xidhay shirkad qudha oo shisheeye ah Total
B. Cashuur dheeraad ah oo shidaalka lagu kordhiyey
2. Dhoofinta xoolaha ee loo xidhay cid gooni ah oo weliba shisheeye ah, taas oo sababtay arimahan soo socda.
3. Cashuuraha lagu kordhiyey cuntooyinka daruuriga ah.
waxay xukuumadda Somaliland dhowaan kordhisay cashuurihii laga qaadi jiray alaabta dekedda ka soo degta, taas oo sababtay in cuntooyinkii daruuriga ahaa ay dhamaan maanta dawladaha aduunku kabayaan ayna cirka isku shareereen, haddaba Madaxweynaha waxay dadka reer Burco ay cabashadan kuug u soo gudbinayaan, kaana dalbanayaan in dawladdu qaadato masuuliyadeeda oo ay il naxariis ku jirto ku eegto dhibaatada haysata dadweyanaha reer Somaliland.

Tala soo jeedin
Waxaanu aaminsannahay kuna talinaynaa in xalku yahay in dawladdu dhaqan geliso qodobadan hoos ku qoran:
1. Waa in cuntooyinka daruuriga (sida bariiska, saliida, sonkorta, daqiiqda. iwm ) shidaalka iyo qalabka dhismaha laga dhaafo dhamaan cashuurta.
2. in cashuurta laga dhaafay daruuriyaadka la saaro waxyaabaha aan daruuriga ahayn ee ay ka midka yihiin sigaarka, qaadka iyo wixii la mid ah ee dalka dhibta ku haya
3. haamaha kaydka shidaalkana dib loogu soo celiyo gacanta dadka
4. in dhoofka xoolaha cid kasta loo fasaxo
Madaxweyne arrimaha haddaan si degdeg ah wax looga qaban waxa ay sababi karaan dhibaatooyin”.
 

 


 Damaashaad Loo Samaynayo Gobolnimada “Selel” Oo Ka Dhacday Saylac

Saylac, May 2, 2008 (Haatuf) —Damaashaad iyo dabaaldeg lagu qiimaynayo maamul goboleedka cusub ee la magac baxay “Selel”, ayaa shalay ka bilowday degmada Saylac, kaas oo socon doona ilaa maalinta berito ah.

Sid ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi ee hordhaca ah waxa halkaasi isugu timi madax ka tirsan xukuumadda sare ee Somaliland oo uu horkacayo wasiirka daakhilga C/laahi Ismaciil Cirro, wasiirka dibudejinta, Badhsaabka gobolka Awdal, maayarada iyo haydhtuulayaasha degmooyin ka tirsan gobolka awdal iyo kuwa maanta la raacshay gobolka cusub ee Selel.

Ergooyin ka kala yimi dalalka Jabuuti, Yaman, hoobalada fanka ee dalka Jabuuti, weriyayaal ka kala socday idaacadaha iyo telefishanada satellite ka ee Jabuuti, kuwa ka socday Somaliland, Axsaabta qaranka ee mucaaradka iyo muxaafidkaba leh oo uu ka mid yahay musharax Mansabka Madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye haddii ay doorashooyin dhacaan C/raxmaan Saylici, Salaadiin uu ka mid yahay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo ergooyin Beeleedyo iyo kuwa degaan oo iskood isku abaabulay.

Sida uu ii sheegay maayarka degmada Saylac, Maxamed cumar Xaddi ugu yaraan kun qof oo ka kala yimi meelahaasi aan soo sheegnay ayaa haatan ku sugan degmadaasi, kuwaas oo sida maayarku sheegay ilaa berri ka hadli doona qiimaha ay gobolnimada selel u leedahay guud ahaanba Somaliland.

Dhinaca kale markaad eegto damaashaadkan Selel, kuna soo beegmay wakhti biyo la’aan iyo abaar xumi ka taagantahay dhulkaasi, ayaa haddana sida la sheegeyo laga dareemi karayaa xamaasad ku salaysan hirdanka ama loollanka beelaha hore uga tirsanaan jiray gobolka Awdal, oo ay dabada ka riixayaan xukuumadaha Somaliland, Jabuuti iyo madax dhaqameedyada beelaha hoos imanaya maamulka Gobolkan cusub, ayaa durba la saadaalinayaa inay aakhirataanka keeni karto isriix riix dhinaca degaanka iyo dhul daaqsimeedyada ah, iyo dareeno colaad keeni kara haddii lagu maamuli waayo caddaalad cid kastaaba ka arki karto gobolkaasi.

Ergooyinkii ay hoggaminayeen madax dhaqameedyada beellaha kala duwan ee Somaliland, iyo kuwii ay hoggaaminayeen dawladaha Jabuuti iyo Somaliland ayaa sida wararku sheegeyaan laga garan karaa baaxadda ama miisaanka ay leedahay xamaasadda durba laga dareemi karo degaankaasi.

Ergooyinka beelaha samarroon ee halkaa tegey, oo ay ka muuqdaan ardaayada beelaha Maxamed Case ayaa waxa kala hoggaaminaya garabyada siyaasadda iskaga soo horjeeda oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiye kuxigeenka 4aad ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan Saylici, iyo Barkhad Cumar, oo ah Guddoomiye kuxigeenka xisbiga udub ee Awdal.

Dhinaca kale markaad eegto waxa ergooyinkaasi ugu hooseeya, marka laga reebo maamulka sare ee dawladda ee meesha ku sugan, ergooyin ka socday beelaha dhexe ee somaliland kuwaas oo dhawr bilood ka hor mar aan tegey degmadaasi, gacanta sare ku lahaa maamulkeeda iyo ciidamadeeda amnigaba.

Si kastab ha ahaatee damaashaadkan ka socda Degmada Saylac, oo leh wejiyo badan, ayaa lagu kala ogaan doonaa inuu bilow u yahay belaayo kusoo socota degmadaasi iyo inay noqon doonto barwaaqo ay wadaagi doonaan beelaha wada dega dhulkaasi, kuwaas oo midba kan kale u haysta inuu degaanka uga xaq leeyahay.

 


 Budhcad Baddeed Xeebaha Saylac Ka Afduubtay Shan Doonyood Oo Kalluumaysi Iyo Shaqaalihii Saarraa

Saylac, May 2, 2008 (Haatuf) – Wararka ka imanaya dhinaca degaanada xeebaha Galbeed ee Somaliland ayaa sheegaya in Budhcad baddeed la tuhunsan yahay inay ka yimaaddeen degaamada xeebaha Bariga Somaliland ay xeebta degmada Saylac ka afduubeen ugu yaraan shan doonyood oo nooca kalluumaysiga ah lagana leeyahay dalka Yemen, iyo shaqaalihii saaraa.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Shee, wararka hordhaca ah ee soo gaadhay halkaas, waxa 28ka bishii April ee aan soo dhaafnay xeebaha degmadaas ku soo weeraray doonyo ay saaran yihiin rag hubaysan oo watay doonyaha dheereeya isla markaana ay xeebta degmada Saylac ka kaxaysteen shan doonyood oo nooca kalluumaysiga iyo ugu yaraan 56 qof oo shaqaale ka ahaa doonyahaasi, iyadoo sida warku sheegeyo doonyahaasi loola kacay dhinac xeebaha tuulada Karin ee gobolka saaxil.

Mid ka mid ah wakiilada laba doonyood oo ku jiray kuwa la afduubay, oo haatan ku sugan Magaalada Berbera magacaiisana la yidhaa Saleebaan Cali oo aan la xidhiidhay ayaa ii caddeeyey inay budhcad baddeedaasi ku kaceen falkaasi, isla markaana ay u egtahay cadaawad iyo qalalaase laga dhex abuurayo degaanada Somaliland ee wadaagga xeebaha Badda Cas Saleebaan Cali waxa kale oo uu intaa ku daray inay falkaa gaadhsiiyeen xukuumadda dhexe, haatana ay Berbera ugu sugan yihiin sidii ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland u daba geli lahaayeen afduubayaashaasi loona soo qaban lahaa, isagoo wakiilkaasi falkaa ku tilmaamay inay yihiin budhcad beeleed reer Somaliland ah kuwaas oo uu horkacayey nin la yidhaahdo "ina Dhegdheer ".

Sidoo kale waxay wrarku intaa ku darayaan inaan ilaa imika la ogeyn sababta loo afduubay doonyahaasi, iyo ujeedada ka dambaysa, isagoo wakiilkaasi sheegay in isaga iyo wakilada kale ee doonyahaasiba ugu baaqayaan dawladda Somaliland, madaxdhaqameedyadooda, iyo waxgaradkooda in arrintaai degdeg wax looga qabto, lanasoo celiyo doonyahaasi iyo xamuulkii saarraa oo u badnaa kalluun si sharci ah looga iibsaday Somaliland, isagoo ka digay in haddii sidaa lagu waayo doonyahaai, shaqaalihii oo bad qaba iyo xoolaha sarraaba ay xeebaha dalka ka bilaaban doonto falal kale oo an la ogeyn cawaaqibkooda, ayna bilaabmi karaan falal aargoosi ah iyo iskudhacyo kaleba keeni kara.

Saleebaan Cali, oo sida la sheegay ka mid ahaa iskaashato kallumaysi oo ka hawlgasha degnmada Saylac, ayaa sida uu ii sheegay Caddaawe Boorama, oo ay saaxiib yihiin, ku tilmaamay nin ay horeba doonyahaasi kalluumaysiga dhibaatooin uga soo gaadheen isla markaana ahaa shakhsiga keliya ee maraakiibta waaweyn ee kalluumaysiga ku weheliya biyaha degmada Saylac, kuwaas oo ama maraakiibtaas oo dhawr oo hore ka burburiyey shabaagta uu ku kalluumaysan jiray, kaddibna dacwad uu arrintaasi kaga hadlay oo uu xukuumadda u gudbiyey isga dib loogu xidhay.

 


 Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Oo Sheegay Inay Talaabo Anshax Marin Ah Ka Qaadayaan Ku-Xigeenka

Hargeysa, May 2, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha Komishinka Doorashooyinka Somaliland, Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kabo-weyne], ayaa sheegay inay xubnaha komishinku talaabo anshax marin ah ka qaadayaan Gudoomiye ku xigeenka Guddidaasi oo jawaab kulul ka bixiyay qaybo ka mid ah khudbadii Madaxweyne Riyaale uu Salaasadii ka jeediyay fadhigii wada jirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida].

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa shalay saxaafada u sheegay in komishinku aanay la qabin hadalkii dorraad ka soo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan, oo sheegay in arrimaha doorashooyinka ay Madaxweynaha ula macaamilayaan isagoo ah Gudoomiyaha xisbiga UDUB.

Maxamed Ismaaciil Maxamed, oo ka hadlayay hadalkii ka soo yeedhay ku xigeenkiisa, ayaa waxa uu yidhi "Hadalkii Gudoomiye ku xigeenka Komishinka shalay ka soo baxay, muu ahayn hadal uu komishanka kaga wakiil ahaa, lamana aanu qabin ee waxay ahayd fikir Xirsi Cali X. Xasan, uun ku kooban."

Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxa uu sheegay inay talaabo anshax marin ah ka qaadi doonaan Gudoomiye ku xigeenka Komishanka, waxaanu yidhi “Sida uu xeer Hoosaadkayagu dhigayo waxaan ka tashanaynaa talaabo anshax marin ah oo aanu ka qaadno gudoomiye ku xigeenka."

Gudoomiye ku xigeenka Komishanka doorashooyinka, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo uu soo xulay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaan la sheegin talaabada anshax marinta ah ee laga qaadi doonaa nooca ay tahay, lamana garanayo in xilka laga qaadi doono iyo in kale, iyadoo xubintii xisbiga UCID soo xulay ee Komishanka Axmed X. Maxamed [Bidaar], uu dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay shaqada ka joojiyeen lixda xubnood ee kale ee Komishanku, kadib markii lagu eedeeyay inuu saxaafadda ka sheegay warar aanay Guddida doorashooyinku la qabin.

Maraykanka Oo Duqeyn Sawaariikhda Tomahawk Ku Dilay Hoggaamiyihii Al-Shabaab Aadan Ayro
Dhuusa-mareeb, May 2, 2008 (Haatuf) - Hogaamiyahii ururka AL-shabaab Aadan Xaashi Cayrow iyo saraakiil sare oo ka tirsan ururkaas ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerar duqayn ah oo ay habeen hore Ciidamada Maraykanku Gantaalo ku garaacen Guri ku yaal Magaalada Dhuusamareeb ee badhtamaha Somaaliya.

Duqayntan ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 13qof oo uu kamid yahay Aadan Xaashi Cayrow iyo qaar kale oo ka mid ah saraakiisha ururka Al-shabaab,weerarkan ayaa la sheegay iney fuliyeen ciidamada maraykanka ee jooga xeebaha Somalia, sida uu sheegay taliye milatari oo maraykan ahi waxaa lala beegsaday guri ku yaal magaalada Dhuuso-mareeb Afar gantaal oo nooca la yidhaa Tomahawk Cruise oo laga soo ganay maraakiibta dagaalka Maraykanka ee jooga biyaha Baddweynta Hindiya ee Xeeba Somaliya.

In kastoo dadka ku dhintay halkaasi aan la garan karayn meydkooda oo googo’ay darteed, haddana waxaa la rumaysan yahay in hogaamiyihii kooxda Al-shabaab Aadan Xaashi Cayrow iyo qaar ka mid ah Saraakiil sarsare oo ka tirsan ururkaasi in halkaas lagu dilay .

Sida ay sheegen warar laga helay Magaalada dhuuso-mareeb hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa waxay halkaas ku lahaayeen shir kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyin kala duwan .
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Xaqiijiyey dilka hogaamiyihii ururka AL-Shabaab Aadan Xaashi Cayrow aaeelo waxaanu yidhi isaga o ka hadlaya arintaasi duqayntan uu Maraykanku u geystey Somalia waxay khatar ku tahay amaanka maslaxada Maraykanku ku leeyahay Geeska Afrika.

Aadan Xaashi Cayrow ayaa ka mid ahaa hogaamiyayasha kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag kuwaas oo dagaal kula jira Dawlada Mbagaati iyo Ciidamada Itoobiya ,waxaanu ka mid ahaa Ragga dawlada maraykanku ay sida weyn u doondooneysay iyaga oo ku eedeeya inay kooxda uu hogaamiyo ee Al-Shabaab inay xidhiidh la leedahay Al-Qaaciida. Waxaana la sheegay in dilkiisa loo adeegsaday Qalabka wax basaasa iyo kuwa lagu dhagaysto telefoonada ee satalite kaas oo baryahanba lagula socday dhaqdhaqaaqooda, waxa kale oo dilka Aadan Xaashi Cayrow ka qayb galay wardoon gudaha kala shaqaynayey Maraykanka, kooxaha isbahaysiga mucaaradka Asmara ayaa cambaareeyey weerarka maraykanku ku qaaday magaalada Dhuuso-mareeb.
 


 DALJIRE: “Shimbirtii Oodweynaay Hodhodho”

Qore: A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Waar maantuu u darraaye waa maxay maddiibaddan uu madaxa ku sitaa kii Dubbe? Waar waa sidee Dubbe? Waa maxay Maddiibaddu?
Dubbe: Miyaanad maqal ninkan la yidhi Siciid baa la yidhaahdaa oo Guurtida ayuu Guddoomiye ka yahay oo qofkii la hadlaba baastoolad buu ula soo baxayaa? Dee waxaan is idhi waa intaas oo xabbad uu soo riday oo seeraaro ahi ku soo gaadhaaye sidii Dhallin Ileeye madiibad madaxa sii gasho. Haa dee. Ma aamin baa jira iminka. Gaadhigana barkimooyin baa dhinacyada aan ka geliyay oo ciidamadan la leeyahay meel baa laga keenay ee dadka laynaya ayaan rasaastooda ka gashaday. Tolow barkimadu wax ma celisaa? Reer magaalka miyaa xabbad iyo wax la laynayo iyo waxaa loo sheegaa. Waxa la yidhi ninkan Siciidku waa nin madaw anna illaa maanta ninkii madaw ee iga soo hor baxaba gacantiisa ayaan isha la raacayay bal inuu dhinaciisa taabto oo uu baastoolad la soo baxayo. Saw dadkuba waa wada madaw yahay hadduun baan ogaaday markaan yara baqday’e. mid casiba waa iga soo hor bixi waayay. waxay iigu darnayd markaan mid kiishad wax kala soo baxaya is idhi qoodh iyo xaro la soo bax ee aan dhankaa isu dabbacay. Waxaanse ku weydiiyay. Warsangeligaynu naqaanay reer magaal iyo wada Boolis iyo ganacsato miidhan bay ahaayeene kani ma mid laynoo soo muuseeyaybaa? Muxuu adeer ahaa ninku? Xagguu inaga soo raacay? Waar ninka waxaad ku tidhaahdaan. Adeer iminka malaa Dhafoorqiiq baad tahay markaad Warsangeligaagii ku soo noqoto noo kaaly?
Doolaal: kkkkk. Alla ku doori fulaysanaa.
Dubbe: Waar fulay ma ihiye rabshadda ayaan necebahaye. Waxaan idiin sheegayaa.......... Waar yar aamusa dheh qoladaa dhallinyarada. Mafrishka baryahaa rag aan ku jiraa dad aan waxba inoo geysan oo xilna inoo hayn aynu yar qarmacnay. Adeerayaal inaga ilaaliya.
Doolaal: Waar kollay laguu taag heli maayee iska dhaafoo. Khudbaddii Madaxweynaha ma dhegeysatay?
Dubbe: Adigu weligaa qasabad biyood oo magaalo xeeba ku taala oo aan in doora la furin ma furtay?
Doolaal: Maxaaad uga jeeddaa?
Dubbe: Waar waxbaanu ku weydiinee ma furtay?
Doolaal: Maya.
Dubbe: Dee haddaba iska aamu. Waxa ka soo butaaxa daxal, biro yar yar oo madaw, biyo cas, saaruq iyo waxaynaan garanayn waana kulayl. Khudbadda Ina Rayaalena wax noocaas oo kale ah bay ahayd. Faan, run yar oo la buunbuuniyay, been caynkeediiya, haddidaad iyo hanjabaad, cay, iska dhe, kibir u dhe, dammiinimo u dhe iyo badhaasuq iyo waxaanu lahayn ama qaban iska sheegasho.
Doolaal: Waayo maxaad u odhanaysaa? Waxay ahayd khudbad Madaxweyne akhriyo ta ugu qiimaha badan. Wax uu dhaafay iyo wax uu dhimay toona ma jiraan. Wax qabadka xukuumadda, qorshaha xukuumadda, nabadgelyada , dhaqaalaha iyo siyaasadda intaba. Xaasid baad tahay.
Dubbe: kkkkkkk. Xaasid buu yidhi. Waar xaasid ma ihi isna wax laga xaasidoba ma hayee. Weliba aan ku xusuusiyee wixii uu sheeganay mid buu illaabay.
Doolaal: Maxay ahayd?
Dubbe: Ceelkii islaantu ka qodatay Dararweyne ee uu soo furay kal hore. Labadii waraabe ee madaxa laga gooyayna ee xaafaddaa Axmed dhagax la dhigayna wuu illaabay.
Doolaal: Bal waxaad ku hadlayso eeg? Waa miyaydaan kursiga fuuli doonin oo aydaan ixtiraam u hayn? Waar nimanyow miyaydaan xishoonayn?
Dubbe: Dhegeyso haddaba adeer aan runa kuu taabtee. Sidiinabana idinkoo xukuumadda Rayaale ah kelmedaha qaar haba soo qaadina sida “xishood la’aan, yaqyaqsi, yaab IWM” idinkaaba ehel idiin yihiine.
Doolaal: Runtaad sheegaysaa waa maxay?
Dubbe: Waxa weeye. Rayaale wuxuu yidhi waxaan ka hadlayaa shan qodob.1) “in laga siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro Dawlad Dastuur iyo kala dambayn xeer ku dhisan. 2) Baadi-doonista iyo raadinta aqoonsi qarannimo. 3) xoojinta nabadgelyada.........4)horumarinta hab-dhaqan dhaqaale........5)taabba gelinta Garsoorka iyo caddaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra xuquuqda iyo xorriyadda muwaaddinka.”
Haddaba hadduu Ryaale intaa midna sameeyey ama keenay qorshe lagu samaynayo anigaa qaldan.
1)Ma isagaa beelnimo ka guuray? Miyaanu ahayn ninkii lahaa xukuumadda waxaan u badiyay beelaha ayaan ku fillaysiinayay kama maarano. Miyaanu ahayn ninka illaa hadda qofkii uu meel ka beddelaba qof beeshooda ah ku beddela? Miyaanu ahayn ninka isagoo Madaxweune ah ku murmayay Guddida Diiwaan gelinta nin reer Awdal ah ha lagu soo daro? Miyaanu ahayn ninkii kooxda sacab u tumaysa Boorame ka keenay? Iyaanu ahayn ninka marka nin mucaarad ahi hadlo nin wasiir ah oo u haysto inuu yahay beel ku lidda ah beesha ninkaa hadlay yahay yidhaahda hadal oo wax iga dheh? Iyo qaar kaloo badan. Ma siagaa xeer, Dastuur iyo kala dambayn ilaaliya. Miyaannu ahayn ninka xeerarkii dalkoo dhan ku tuntay? Miyaanu ahayn ninka xeerarkii Golayaashu soo saareen diiday inuu fuliyo?
2)Baadi doonista aqoonsiga isna si buu u yaqaan ummadda inteeda badnina si bay u taqaan ee aan u dayno makuu leeyahy waan raadiyay laakiin aan nidhaahno weli maad keenin.
3)Xoojinta nabadgelyada. Kkkkkkkk. Umadda reer Somaliland hadday qabto in ay maanta nabaddu ugu xoog badan tahay marka la eegoo ta qof ahaaneed ee suuqa ka jirta ee hantidood iyo naftoodaba leh ee habeen socod leh ee dhac iyo tuugo leh. Markaa isagaa hagaagsan. Haddiise ay ka warramaan xaqiiqada jirta waa la wada og yahay faraqa u dhaxeeya nabad gelyada dalka maanta iyo maalintii uu Rayaale xukunka qabsaday. Su’aashu waxa weeye. Dad yahow maanta iyo maalintii Rayaale xukunka qabsaday keebaa nabad buuxda dareemaysaan?
4)Dhaqaalahu wuu fiican yahay buu inna yidhi. $550,000,000(shan boqol iyo konton milyan oo doolar) baan dalka gelinyaa buu yidhi shanta sannadood ee soo socda. Marna wuxuu yidhi. “musuq maasuq ma jiro waayo waxbaba ma haysanno la musuqo.” Miisaaniyaddeenu waa 25 illaa 30 milyan oo doolar ayuu yidhaahdaa oo weliba male-awaal ah. haddaba halkuu ka keenayaa $550.milyan oo doolar. Ma gurigii Qaahir ayuu xaraashayaa? Su’aashu waxay tahay. Dadyow maanta iyo maalintii Rayaale xukunka qabsaday iyamaa dhaqaalahiinu wanaagsan yahay? Ma taajirteen mise waa ka darteen? Raashimku intii ma joogaa uu ahaan jiray mise waa ka sii kordhay? Guryo debedda ma ka dhisateen ise weli? Carruurahiinna debedda maw dirateen mise weli? Wershaddii sibidhka ee $300 ee milyan ma dhammaatay mise weli? Adhigii ma dhoofiseen mise weli? Hadday jawaabahu maya yihii Somaliland ma joogtaan sida Rayaale qabo ee halkaa joogtaan noo sheega.
5)Taaba gelinta Garsoorka iyo caddaaladda iyo xaqa muwaadiniinta. (oohin baa i haysa) Rayaale wuxuu sheegtay inuu caddaalada iyo xaqa muwaadinka taabo geliyay. Su’aashu waxay tahay. Markaa maxkamadihii tagteen kiisaskiina markiiba ma la dhameeyay oo si caddaalada ma loo qaaday? Dulmi xeer ma nabad gasheen iyo laaluush garsoore? Si caddaalada ma laydiin kala saaray? Maxkamadahu dadka dhex maw noqdeen? Muwaadin adigoo aan kii lagugu haysan ama waaran laguu keenin CID ma kuu yeedhay? CID baa hebel doonaysaa dhegaheenna ma ka badatay ayaamahan? Muwaadiniin aan waxba lagu haysan Jeelka ma loo taxaabaa oo xaqooda ma duudsiyaa? Guddiyadii Nabadgelyadu ma joogaan oo weli dadka jeelasha ma ku gurayaa iyagoon maxkamad marin? Golaha wakiiladu inuu xaarantinimeeyay guddidaa oo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sarena ku raacay ma ogtihiin Rayaalese diiday oo weli adeegsano iyadoo Dastuurka aan waafaqsanayn? Askartu ma iska kiin laysaa oo rasaas ma idinku furtaa aan loo miidaan deyin markaa xaqiina raadsataan? Goormaynu liisanka u siinnay Rayaale inuu muwaadiniinta laayo? Goormaynu fasaxa u siinnay inuu dalka ku maamulo Xukunka DegDegga ah oo lagu laalayo xaqa muwaadinka? Kuwii aynu odhan jirnay Garanwaaga iyo Gudhuuda ayaynu la yaabi jirnay markay xabbad inagu dhuftaan ka aynu garanayno ee inna layna maxaynu odhanaynnaa? Imisa qof ayay askartu dishay intuu Rayaale xukunka haystay? Ma og tahay mar haddii loo tago oo la yidhaa “waxooga mag ah soo sii dadkii dhintay” inuu u haysto inay intaa ku dhamaatay oo aanu muwaadinku qiimo kale la lahayn?
Haddaba khudbadda Ina Rayaale waxay ahayd “shimbirtii Oodweynaay Hodhodho.” Faallo kalena waa iigu laaban tahay ee qayila horta.
Waa inno toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire
 

Top