Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1720 May 5, 2008

Ciidamada Qaranku Ma Noqon Doonaan Diyaaradihii Hargeysa Ka Kacay Ee Dib U Rusheeyey 1988-kii?

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Somaliland Riyaale Way Lu’goysay

Iscasilaada Xubintii KULMIYE Ee Komishanka Iyo Burburka Soo Food-saaray Guddida Doorashooyinka

Gudoomiyayaal Iyo Ku Xigeeno Loo Magacaabay Buuhoodle Iyo Oodweyne

Gobolka Rayaale Gabiley U Magacaabay Ma Yahay Gobolkii Dadweynaha Degaankaasi Doonayeen Ee Xuduudihiisa Iyo Xeebtiisa Lahaa?

Mudaneyaasha Wakiilada Oo Doodda Ajandaha Kalfadhigga Aan Caadiga Ahayn Ku Weeraray Shirgudoonkooda

Baarlamaanka Mbagathi Oo Lagu Amray Inay Hubkooda Wareejiyaan

Diyaaradaha Maraykanka Oo Dul Haadaya Hawada Gobolada Hiiraan Iyo Galgaduud 

Doonyo Laga Afduubay Saylac Oo Weli Haysto Degaanka Conqor Ee Gobolka Sanaag

Maayerka Berbera Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Booqday Tuulada Laaso-Dacwo Oo Uu Khasaare Gaadhsiiyay Roob Dabaylo Wataa

Xukuumadda Madaxweyne Riyaale Oo La Filayo Inay Wax Ka Bedesho Mawqifkeedii Ku Waajahnaa Khilaafka Cakiran Ee Doorashooyinka

Wakhtiga Madaxweyne Riyaale Waxa Ka Hadhay Inta Doorasho Lagaga Helayo

Wakaaladii Biyaha Ee Dadka U Daneeye Laga Kiciyay Danaystaa La Keenay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Ciidamada Qaranku Ma Noqon Doonaan Diyaaradihii Hargeysa Ka Kacay Ee Dib U Rusheeyey 1988-kii?

“Haddii dhegta Ruux la jaro Daloolku wuu joogayaa…” marka hore waxaad ogaataa Ciidamada

Qaranka ee Police-ka iyo Milaterigu inay ka yimaadeen Bulsho weynta Reer Somaliland ee aaney aheyn qaar laga keeney labada Webi (Jubba & Shabeelle) sidaa darteed marnaba aaney ogolaan doonin; in loo adeegsado muquuninta iyo xad gudubyada lagula kacayo Bulshada, waxana hubaal ah in Ciidammadu ay ku shaqeyn doonaan rabitaanka Dadweynaha sababtoo ah kama aqoon liitaan Hogaamiye kooxeedkii Reer Muqdisho, Cismaan Xasan Cali (Cismaan Caato) oo laga soo xigtey odhaahdan: “Rabitaanka Shacbigu waa Dabeyl, waxana loo raacaa Dabeyshaasi hadba dhinaca ay u socota, haddii aad ka hortimaado wey ku qaadaneysaa. ”

Waxa uu sidan ku sheegey mar ay Idaacada BBC-du wareysatey ka dib markii wixii uu hub iyo Ciidan haystey uu ku wareejiyey Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo inta badan gacanta ku hayey Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya bishii June sanadkii 2006-dii; Isagoo ka mid ahaa Xildhibaanada xukuumadii lagu soo dhisey Tuulada Mbagathi ee Dalka Kenya, ahna Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukumada Mbagathi, waxa uu talaabadan qaadey iyadoo weliba cakirnaanta xagga Siyaasada ee Dowlada ku meel gaadhka ah iyo Maxkamadahii Islaamku ay mareyso halkii ugu adkeyd… Qir iyo Qir. Waxaana adkaatey sida la isu waafajin karo in Wasiir xukuumadda ka tirsani Hubkiisii iyo Ciidankiisii ku wareejiyo Maxkamadaha oo ku hawlanaa dhisidda Maamul Dowladeed iyo Damaca xukuumadada uu wasiirka ka yahey, Jawaabtiina waxay noqotey in rabitaan Shacbigu sarreeyo, cid kasta oo ka hor timaadaana Halaagmi doonto…

Haddaba Ciidamada Qaranka waxaan xusuusin lahaa Dadweynuhu waxay u baahan yihiin Isbedel, muddadii Madaxweynaha/ku xigeenkiisa la doorteyna ay gabogabo tahay, Dadweynuhuna xaq bay u leeyihiin Mudaharaado Nabad-gelyo ah(non-violence demonstrations) oo ay ku muujinayaan dareenkooda, Dadkuna maaha Cadow ku soo duulay Dalka sidaa darteed;….YAAN LA IDIIN ADEEGSAN INAAD DADKIINA LAYSAAN OO GURYIHIINA DUMISAAN”
C/risaaq Suudi Nuur
Hargeysa Somaliland

 


 BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Somaliland Riyaale Way Lu’goysay

Daahir Riyaale waxa u dhaqan ah in markasta oo muran siyaasadeed ka dhex aloosmo isaga iyo mucaaridka ama xataa isaga iyo bulshada reer Somaliland inteeda kale, uu cirka ku sii shareero murankaasi dabeetana waxa dhacda in dhinacii garta lahaa ee ay Riyaale is-hayeen uu weliba isagu tanaasulo iyada oo uu u danaynayo maslaxadda ummadda iyo deggenaanshaha dalka.

Riyaale waxa uu noqday oo uu hadda u dhaqmaa sidii ilmo yar oo aabihii kibriyay. Haddii laga dhaadhiciyay iyo haddii uu isagu iska dhaadhiciyayba, Riyaale waxa uu aaminay oo uu bulshada reer Somaliland ugu bartay in haddii uu ku dheganaado mawqifkiisa oo in-yar oo tanaasul ahna laga dareemi waayo ay tiisa uun ku dambayn doonto.

Markii bishan bisheedii sannadkii 2002 uu geeriyooday Madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxay ahayd in distoorka la raaco oo lagaga dhabeeyo qodobkii odhanayay in haddii ay geeri ku timaado Madaxweynaha inta lagu jiro marxaladda kala-guurka uu Madaxweyne dalka u sii ahaanayo muddo 45 maalmood ah gudoomiyaha Guurtida iyada oo muddadaasi dhexdeeda uu Baarlamaanku iska dhex dooranayo Madaxweyne cusub oo dalka gaadhsiiya doorashooyin toos ah.

Daahir Riyaale oo xilligaa Madaxweyne ku xigeen ahaa waxa loo jabiyey distoorkii dalka iyada oo markiiba loo dhaariyey jagadii madaxweynihii geeriyooday. Dhacdadaasi laga soo bilaabo bulshada reer Somaliland waxay Daahir Riyaale kolba ku tisaysay wax aanu xaq u laheyn.

Daahir Riyaale waxay ummaddu ka ogolaatay inuu 80 cod oo keliya doorashadii Madaxweynaha ee 2003 kaga helo Axmed Siillaanyo oo waliba uu isagu kelidii dalka xukuumad u soo dhiso iyada oo la oggaa in mucaaridku ay isku heleen 58% codadkii dadweynaha.

Dunida ma jirto dal sidan oo kale ay ka dhacdo oo ay dadku sabirka iyo wanaagga intaas le’eg ay la yimaadaan oo ay muujiyaan.

Waxa la oggaa in qolyaha Mucaaridku ay xisbiga Riyaale ee UDUB kaga guulaysteen doorashadii golaha Wakiilada ee September 2005. Haddana Riyaale taasi umay qudhqudhsamin’e waxaabu isku dayey, isaga oo adeegsanaya xeelado laga yaqyaqsoodo, in Afhayeenka golaha cusub iyo labadiisa ku xigeenba ay ka soo baxaan xisbiga minority-ga ku ah golaha dhexdiisa ee UDUB. Isku-daygaasi dabcan waa kii fashilmay mana jirto si ay Riyaale iyo UDUB isbahaysiga mucaaridka uga qaadi kari lahaayeen jagooyinka Afhayeenka (Speaker) iyo labadiisa ku-xigeen.

Inkastoo ay mucaaridku UDUB ku muquuniyeen codadka aqlabiyadda leh ee ay haysteen, haddana Riyaale waxa uu ilaa hadda ku doodaa in haddii aanu isagu tanaasul sameyn lahayn aanay mucaaridku halabsadeen Shirgudoonka golaha Wakiilada. In uu beentaas iska dhaadhiciyo Riyaale xaq buu u yeeshay maadaama aanu arag cid hore oo iska waabisa. Waxaana hubaal ah in ay dhulka kaga dhacday markii uu arkay mucaaridkii oo isku duuban oo aanay haba yaraatee jirin waddo kale oo arrintaas looga wareegi karaa.

Riyaale waxa uu golihii cusbaa ee Wakiilada ku bilaabay dagaal qaawan oo aan nasasho lahayn iyada oo uu bartilmaameed ka dhiganayay Shirgudoonka golaha cusub oo uu markiiba bilaabay inuu kula dhaqmo si cadowtinimo ka muuqato iyo wado-shaqayn la’aan. Mushkiladduse waxay ahayd xoogagga mucaaridka iyo dadweynaha oo marwalba ahaa kuwa iyagu tanaasulka ku dhaqmaya iyaga oo maslaxadda dalka xeerinaya halka Riyaale-na ahaa ka marwalba wax loo sii daynayo iyada oo waxqabadkii laga filayay golihii cusbaa uu shiikhiyey murankii hadhi waayay ee Riyaale la soo hortaagnaa muddadaasi oo dhan.

Sannadkii 2007 waxa uu ku bilaabmay xadhigii Suxufiyiintii Haatuf. Waxay ahayd xilli uu Riyaale soo gaadhay inuu yidhaahdo haddii musuq-maasuqayga la soo hadal qaado xaaskayga ayaa la caayey oo xaal baan doonaya.

Waxa ku xigay weerarkii uu Riyaale ku soo qaaday Komishankii Doorashooyinka ee uu ku gala-lafay xafiisyadii hay’addaas. Komishanku waa hay’ad madax banaan (Public institution) oo u dhex ah dadweynaha (public) iyo saddexda waaxood ee dawladda. Laakiin Daahir Riyaale waxa uu hay’adda caynkaas ah ku macneeyay mid xukuumadeed oo hoos timaadda hay’adda shaqaalaha (civil service commission) ee uu isagu gudoomiyaheeda magacaabo. Jaahilnimada intaas le’eg halkii laga diidi lahaa ayaa Riyaale laga aqbalay oo ay tiisii noqotay.

Isla sannadkii 2007 waxa dhacday in Riyaale loo yeelay sidii uu doonayay oo la sameeyay Komishan gebi ahaanba wada cusub oo aan xubin keli ahi kaga jirin kuwii hore ee waayo-aragga ahaa. Waxa kale oo jirtay in markii toddobadii xubnood ee Komishanka cusub la horkeenay Wakiilada ay laba ka mid ahi ansax noqon waayeen kadib markii ay ku guuldaraysteen inay helaan codad ku filan. Laakiin Daahir Riyaale waxa laga aqbalay in golaha Wakiiladu mar labaad u codeeyo isla labadii nin ee dhacay iyada oo xeer jajabkaasi lagu raali-gelinayey Riyaale oo sii deynta madaxdii ururka QARAN ku xidhay in labadii nin ee dhacay uu golaha Wakiiladu dib ugu codeeyo. Kaaga darane markii tii sii loo yeelay waxa uu ka baxay balantii uu la galay guddidii dhexdhexaadinta ee ahayd in uu sii daayo madaxdii ururka QARAN ee xidhnayd.

Riyaale waxa uu gaadhay heer aanu saxaafadda dalka u waramin oo uu ku yidhaahdo wax su’aalo ah ima weydiin kartaan. Riyaale waxa laga aqbalay in uu dadka ku socodsiiyo amar qayrul sharci ah oo dalka ka mamnuucaya Idaacado xor ah iyo Telefiishanno madax banaan oo cusub. Isaga iyo xubnaha taliskiisu waxay beryahan dambe caadeysteen inay wararka beenta ah ee ay dadka ku khaldayaan u soo mariyaan Laanta Af-Soomaaliga ah ee BBC-da iyo Telefiishanka Universal, kuwaas oo u xil-qariya inta karaankooda ah.

Waxa la oggaa deeq-bixiyeyaashii uu ku qabsaday maxaad Saxaafadda Somaliland ula hadasheen. Shalayna waxa uu gudoomiye ku-xigeenkii Komishanka ku haystay maxaad iigu jawaabaysaa, waxaanay arrintaasi sababtay in uu burburo Komishankii dhammaa ee doorashooyinku oo uu dalku galo marxaladii ugu khatarsanayd ee soo waajahda tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax banaanideedii sannadkii 1991.

Xaaladdan foosha xun ee uu dalku galay waxa ka masuul ah Daahir Riyaale laakiin eeddu kelidii kuma koobnaan doonto, balse waxa la wadaagi doona cid kasta oo xaq-darro ku raacday oo lu’goysay.

 


   Iscasilaada Xubintii KULMIYE Ee Komishanka Iyo Burburka Soo Food-saaray Guddida Doorashooyinka

“Arrintu Waxa weeyaan Hadaad La Hadashay Xukuumadda Gudoomiye-nimadii Waanu Kaa Qaadnay, waxaanay Maraysaa Maanta Ha Hadlin”

Hargeysa, May 5, 2008 (Haatuf) – Gudoomiye ku-xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali Xaaji Xasan ,ayaa shalay iska casiley xubin-nimadii Komishanka Doorashooyinka, isla markaana si adag uga dayriyay doorashooyin ka dhaca Somaliland.

Iscasilaada gudoomiye ku-xigeenka Komishanka, ayaa ka dambaysay kadib markii ay maalintii shalay afar xubnood Komishanka ka tirsan ay go’aan ku soo saareen inay xilkii gudoomiye ku-xigeenimada ka qaadaan Xirsi Cali X. Xasan isla markaana ay digniin u jeediyaan, iyagoo ku eedeeyay inuu saxaafadda si iskii ah ula hadlay.

Gudoomiye ku-xigeenkii hore Komishanka Xirsi Cali oo go’aanka xubnaha kale ee Komishanka kadib shir jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka ee Hargeysa, ayaa si kulul u dhaliilay go’aanka xubnaha Komishanka oo uu sheegay inuu yahay mid ay Xukuumadda Riyaale u yeedhisay, isla markaana ku eedeeyay xubnaha Komishanka kuwo aan madax banaanayn oo Xukuumadda u adeega.

Sidoo kale, waxa uu Mr. Xirsi shirkiisa jaraa’id ku sheegay in iscasilaadiisu ka dambaysay kadib markii uu ka rajo-beelay madax banaanida Komishanka isagoo xusay in xaaladda hadda ee Komishanku aanay ahayn mid dalka doorasho si cadaalad ah uga qaban karta.

Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo ah xubintii xisbiga KULMIYE u soo magacaabay Komishanka, ayaa is-casilaadiisani waxay ka dhigaysaa in gebi ahaanba ay labadii xubnood ee xisbiyadu mucaaridku u soo magacaabeen Komishanka ay dibadda ka yihiin Komishanka.

Komishanka Doorashooyinka ayaa hore shaqadii uga fadhiisiyey xubintii xisbiga UCID u metwlaysay Guddiga, ka dib markii ay ku eedeeyey in uu ku xad-gudbay xeer hoosaadka Komishanka. Sidaas darteed waxay u muuqataa inuu burburkii ugu weynaa soo waajahay Komishanka Doorashooyinka oo ay hadda isugu hadheen xubnihii ay soo magacaabeen Madaxweyne Riyaale iyo Golaha Guurtida.

Ugu horeyn Mr. Xirsi Cali oo ka hadlaya ujeedada shirkiisa jaraa’id ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaan halka saxaafadda idiinku yeedhay in aan ka jawaabo qoraal ay mar dhawayd ii soo gudbiyeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee aan ka midka ahay, waxa qoraalkaasi ku qornaa waxa ka horeeyay hadal uu gudoomiyaha Komishanku BBC-da ka sii daayay oo aniga oo gudoomiye ku-xigeenka ah laygu anshax marinaayo. Waxa lay soo gudbiyay waraaq la leeyahay waxaanu kugu anshax marinay in aanu kaa qaadno gudoomiye ku-xigeenka iyo digniin inaanu ku siinay, iyadoo eedii tahay waxa aad ka hadashay saxaafadda.

Dabcan way jirtay marar badan oo aan ka hadlay saxaafadda, laakiin hadalkaygii u dambeeyay ee Madaxweynaha ka cadhaysiiyay uun baan u fahmay. Waxa ku xusan waxaad la xidhiidhay deeq-bixiyeyaasha. Waxaan leeyahay ma jirto wax dambiya oo aan Komishanka ka galay oo aan u aqoonsannahay in ay dembi tahay, waayo xeerka iyo xeer-hoosaadkaba kuma qorna in ay dambi tahay inaan saxaafadda la hadlo iyo in aan deeq-bixiyeyaasha la hadlo. Deeq-bixiyeyaasha in la lala xidhiidhana waa xoriyaadka aasaasiga ah oo cidii doonta ayaa la xidhiidhi karta.

Waxaan runtii leeyahay waa waxaan sharciga meelna kaga fadhiyin in la yidhaahdo waa dembi oo dembi laygaga dhigaa. Waxase runtii aan u fahmay horena aan u sheegay Komishanku in aanu xor u ahayn oo xukuumaddu maamusho oo wax kasta oo Xukuumadda ka horyimaada Komishanka loo qabsanayo. Hore ayaan uga afeeftay, waxaanan sheegay haddii Komishanku noqon waayo xor in aan iska casilo xubinta Komishan-nimo, si aanan u lu’goynin dadkii isoo doortay iyo bulsho-weynta reer Somaliland ee rajada weyn ka qabta in guddi doorashooyin ay doorashooyin qabanayaan, si aanay taariikh madawi iigu gelin oo aanan ka mid noqon Komishankii ummadda lu’gooyay. Waxaan leeyahay oo aan u qaatay Komishanku inaanu ku shaqaynayn xoriyaddii Komishan-nimo oo ay caddeynayso, waxaan hadlay intaas oo jeer, balse maanta oo qoraal ka cadhaysiiyay Madaxweynaha iyo xulifadiisa aan kula hadlay ayaa la yidhi waxa lagu anshax-marinayaa in gudoomiye-nimadii baa lagaa qaaday. Gudoomiye ku-xigeenka waxa ii doortay xubnaha Komishanka, markay doonaana way iga qaadi kari lahaayeen. Laakiinse aasaaska ah hadaad la hadashay dawladda waxa lagaa qaadayaa gudoomiye-nimada waa mid aanan ku qancin oo aan filayaa inaanay ummadduna ku qanci doonin.

Waxa runtii xusid mudan in aan hore u sheegay dhacdadan, rajo-xumana ka muujiyay in aanu Komishankani mid madax banaan ahayn, Komishan doorasho iyo wax kale toona cadaalad ka samayn karana aanu ahayn, sidaas darteed waxaan maanta caddaynayaa oo bulshada Somaliland, xisbiyada mucaaridka ah, Xukuumadda iyo Komishankaba u caddaynayaa in aan iska casiley xubintii Komishan-nimo ee guddida doorashooyinka qaranka, laga bilaabo maanta, waxaanan u gudbinayaa qoraal sida sharcigu dhigayo cidda ay khusayso arrintaasi,” ayuu yidhi Xirsi Cali X. Xasan, waxaanu isaga oo sii faahfaahinaya sababaha uu isu casileyna yidhi: “Waxaan ku sababaynayaa iscasilaadaydan, markaan waayay xoriyad Komishannimo, markaan ka rajo beelay xubnaha Komishanka ee ila shaqaynayay ee saaxiibaday in ay yihiin qaar ummadda u garsoori kara, markaan arkay tusaale ahaan hadalada ay xuseen Komishanku waxa ka mid ahaa Madaxweynaha waxaad tidhi waxaad iila siman tahay Faysal iyo Axmed Siillaanyo. Waa run waa iil siman yahay, waayo, guddidu maaha wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada ee waxay u igman yihiin in ay qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, una qabtaan xisbiyada qaranka. Waxaan u cuskanayaa iscasilaadaydan maadaama ay xukunkii Komishanka doorashooyinku uu noqday xukun ka soo baxay Xukuumadda, waxaan ku caddaynayaa shalayto [dorraad] waxa ii yimi madaxda ugu sareysa xisbiga UDUB, waxay ii sii sheegeen in layga qaadayo gudoomiye ku-xigeenimada, waxaanay igu qancinayeen sii joog. Waxa kale oo aan ogahay in qaar ka mid ah xubnaha Komishanka la maslaxayay shalay oo dhan oo ay lahaayeen aan u gudbino Madaxweynaha oo xubinnimadaba halaga qaadee. Waxaan ku sababaynayaa maadaama aanan kalsooni qabin aan ugu shaqeeyo dalka oo aan ka warwari doono goormaa lagu gudbinayaa, halkana waxa aan u soo doortay xil madax banaan inaan ummadda ugu shaqeeyo. Laakiin markaan arkay inaan xil madax banaan halkan ka jirin waxa aan ku qancay in aan xilkaa iska casilo.

Waxaan aad ugu mahadnqayaa ugana raali-gelinayaa bulshada badan ee igula talisay in aan sii joogo imika iyo horeetaba. Waxaan leeyahay waan sii joogi lahaaye waxaan ka rajo-beelay in Komishankii aan ka mid ahaa ay xilkan uga soo bixi karto siduu ahaa.
Waxa runtii xusid mudan waxa nala ansixiyay June 2007, waxa aanu u xayirnayn muddo in nala dhaariyo, waxa nalagu dhaariyay Madaxtooyada, kumaan qanacsanayn waxaan xubnaha ka codsaday in nalagu dhaariyo Munaasibad (Ceremony), way ka gaabsadeen. Waxa kale oo xusid mudan waxa lay doortay Gudoomiye ku-xigeenka Komishanka, waxay ka cadhaysiisay Xukuumadda iyo xisbiga UDUB ee talada dalka haya ee uu Madaxweynuhu ugu horeeyo, waxay ii sheegeen xubnaha Komishanka qaarkood in Madaxweynuhu ku yidhi maxaad ugu doorateen gudoomiye ku-xigeen aniga [Xirsi]. Waxaan ahaan jiray Afhayeenka guddida, waxa si daran olole noogu bilaabay xubin ka mid ah guddida oo ah xubinta uu ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, waan uga tanaasulay Afhayeennimadii. Waxyar kadib waxa lay doortay inaan noqdo gudoomiyaha guddida farsamo ee diiwaangelinta, waxa laygu soo qaaday olole uu kow ka yahay xubintaasi aan hore u soo xusay ee Madaxweynaha ay beesha ka soo wada jeedaan [Ismaaciil Nuur]. Waan uga tanaasulay aniga oo dhawraya khilaaf iyo waxyaabo farobadan. Waxay maanta maraysaa ha hadlin, waxaan ka rajo-beelay haddii maanta la yidhi ha hadlina beri maxaa ka dambeeya. Waxay ii geysanaysaa runtii xanuun in lay yidhaahdo ha hadlin aniga oo ka mid ahaa dhallinyaradii u soo dagaalantay dalkan ee dhiigooda iyo naftoodii u horey, waanay ii cuntami weyday.
Sidaas darteed ayaan iskaga casiley xubnimadii.”
Intaas kadib waxay weriyeyaashii shirka jaraa’id ka qayb-galay ay su’aalo door ah ka weydiiyeen Mr. Xirsi Cali X. Xasan mawduuca uu ka hadlay, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:

S: Waxaa lagugu eedaynayaa berigii xubinta UCID ee xubnaha Komishanka doorashooyinka laga qaadayay xubinimada inaad ahayd ninkii ugu cadcaddaa ee lahaa yuu kadinka ka soo gelin, maantana adigaa halkii lagu mariyay, markaa maalintaa miyay kuu muuqan wayday inuu ku ag-fadhiyo Axmed Xaashi, si uu maanta oo kale kuu weheliyo oo uu dulmigaa aad sheegayso sheego?
J: Axmed waraaqdiisii aanu ka qornay kumaanaan eedaynin wuxuu ka hadlay, balse waxa aanu ku eedaynay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dagaal, aflagaado, iwm.

S: Waxa jirtay warar aanu maqalnay oo sheegay Madaxweynuhu inuu xadhig idiinku hanjabay mar aad kulan ku wada yeelateen xaruntiisa, arrintaasi miyay jirtay?
J: Waa waxyaalaha igu kalifay inaan is-casilo, waxa aanu u tagnay Madaxweynaha, fadhigayagii u dambeeyay wuxuu noogu hanjabay sharciga ayaa laydin geyn doonaa haddaad sharciga raaci waydaan, sidii uu Baarlamaankaba ka hor yidhi.
 


  Gudoomiyayaal Iyo Ku Xigeeno Loo Magacaabay Buuhoodle Iyo Oodweyne

Hargeysa, May 5, 2008 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay wareegtooyin uu soo saaray ku magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno Qaar ka mid ah Gobolada cusub ee uu dhawaan magacaabay.

Gobollada uu u magacaabay gudoomiyayaasha iyo ku xigeenada ayaa waxay kala yihiin Buuhoodle iyo Oodweyne.

Warsaxaafadeed magacaabistan ku saabsan oo uu na soo gaadhay nuqul ka mid ahi ayaa u qornaa sidatan:

‘'Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta (Shalay) Wareegtooyin uu soo saaray ku Magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno Gobollada Buuhoodle iyo Oodweyne.

Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL iyo qodobka 110-aad, isla markaana xeerinaya baahida loo qabo in Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno loo sameeyo Maamulada Gobolladaasi iyo muhiimada weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagooyinkaasi , waxa uu u magacaabay Magacyada hoos ku qoran.
Ismaaciil Maxamed Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle
Xasan Cali Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle
Maxamed Cabdi Liibaan, waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne
Daahir Aadan Baxnaan Deeqsi, waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Oodweyne.

Sidaa daraadeed, iyada oo la tix gelinayo kartida , Aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin shakhsiyaadkaa la magacaabay , waxa uu Madaxweynuhu faray in laga bilaabo Maanta [shalay] ay la wareegaan xilka Jagooyinka loo magacaabay'' ayuu afhayeenka Madaxweynuhu ku soo xidhay warsaxaafadeedkiisii.
 

Top


  Gobolka Rayaale Gabiley U Magacaabay Ma Yahay Gobolkii Dadweynaha Degaankaasi Doonayeen Ee Xuduudihiisa Iyo Xeebtiisa Lahaa?

Faallo Gabileynews.

Waxaa indhawaale si weyn loo hadal hayey, gobolka uu Riyaale dhawaan u magacaabay Gabiley kaas oo magacaabistiisa ay kuwaheliyeen shan gobol oo kale iyo 16 degmo oo qaarkood daaqsin maqaleed isku jiraan.

Gobolkan oo uu madaxweyne Rayaale ku sheegay inuu ahaa gobolkii ay mudadda badan reer Gabiley doonayeen, isla markaana ay hore isugu seegeen wasiirkiisii hore ee wasaarada Duulista Cismaan Xasan Mire oo xilka iska casiley, ayaa waxaa uu xiligan u muuqdaa mid isweydiintiisu ay ka mugweyn tahay sidii ay markii hore, baddi dadweynaha reer Gabiley iyo guud ahaanba bulshada Somaliland u fahmeen magacaabistiisa iyo dhawaaqii hore.

Sababtoo ah waxaa horaantii dadbadani u arkayeen in mawduuca gobolka Gabiley yahay mid reer Gabiley ku keenay isbedel weyn oo siyaasadeed oo saameyn ku yeesha halkii ay markii hore ka taagnaayeen taageerada Riyaale ee ay markii hore u badnaayeen.

Hase yeeshee waxaa hadana durtadiiba markaliya soo mudh baxay dareenka weyn iyo su’aasha ka taagan gobolkan uu madaxweyne Riyaale sheegay inuu Gabiley siiyey dareenkaas oo ah mid maalmihii u dambeeyey sida xumada uga soo ifbaxay guud ahaanba umada reer Gabiley Guddo iyo dibadba isaga oo salka ku haya bal inuu gobolkani yahay mid xuduudihiisii iyo xeebtiisiiba leh iyo inuu yahay mid harag waxar ah oo gobolada iyo degmooyinka lala magacaabay ay qadarkii uga sii noolaa xuduudihiisii hore wax ka goosanayaan.

Hadaba si aan arinkaas u xaqiijino isweydiin badan malaha in degmooyinka cusub ee uu gobolka Gabiley la mataaneeyey intay Gabiley dhul badan ka qaadanayaan.

Magaalo qalooc Ex Magaala cad oo degmada wajaale u jirta 7km daaqsin maqaleed halka ay degmada cidhifkeeda waqooyi ee Dillana u jirto waxaan ka badnayn 5km, marka laga hadlayo sida dhabta ah waxaa halkaa ku baaba ay Degmadii uu u magacaabay tog-wajaale, sababtoo ah waxaa aan muran ka taagnayn in dhulkii mashruuca ee Togwajaale xukumi lahayd ay qaybtiisa badan kala qaadanayaan magaalo cad iyo Dilla, waxayna arimahani iftiiminayaan su’aalaha ugu badan ee ay bulshada reer Gabiley isu waydiinayaan Gobolkii mee ?

Dhinaca kalena Digreetada uu Madaxweyn Riyaale ku sheegin Gabiley gobol u magacaaabay waxyar uun ka hor waxay dhinacyo badan oo dadweynaha reer Gabiley ahi ay si adag uga hadleen mowduucii xeerka kala xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka ee ay golayaashu ansixiyeen, taas oo sida laga warqabo laf dhuun gashay ku noqotay madaxtooyada isla markaana sida ay ilo xogo ogaal ahi daaha ka rogeen sabab u ahayd qaadacadii gudiga Diiwaangelinta ee madaxweyne Riyaale.

 


  Mudaneyaasha Wakiilada Oo Doodda Ajandaha Kalfadhigga Aan Caadiga Ahayn Ku Weeraray Shirgudoonkooda

“Maaha in waajibaadkii golaha ka saarnaa khilaafka taagan sidii gorayada madaxa ciidda gelino” Md: Rooble.

“Shirgudoonku xil-gudashadii waxa uu kaga mashquuley ilaalinta Qod.55 ee nafta u keenay” Md: Cabdiraxman Dheere.

“Marka aad xeerkaaga iyo xaaladaha golehaaga hagaasijo ayaad khilaafyada kalana wax ka qaban kartaa”Md: Aadan Sanqoole.

Hargeysa, May 5, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada ayaa doodo kulul ka yeeshay ajandaha kalfadhiga afraad ee aan caadiga ahayn kaas oo ay mudanayaashu doodahooga kaga dhawaajinayeen khilaafaadka siyaasiga ah ee dalka ka aloosan iyo arimo la xidhiidha qiimaynta xeer hoosaadka golaha oo ay si weyn farta ugu godeen in wax ka bedel iyo kaabid lagu sameeyo, haseyeeshee waxay mudanayaashu si weyn ugu kale qaybsameen qiimeynta xaalada dalka iyo khilaafaadka golaha ka dhextaagan, iyada oo qodobada ajandaha lagu soo darsayna dhaliilo looga jeedin ayey shirgudoonka.

Fadhiga shalay oo uu gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hor wax fadhigaasi xoghayaha Guud Keyse Axmed Kaahin uu ka akhriyey qoraal uu wasiirka Maaliyaddu Cawil Cali Ducaale SDhirgudoonka kula socodsiiyey in Miisaaniyadii 2008 uu hore u sheegay in uu u soo gudbin doono sabtidii doraad ee 03 May, uu kaga cudurdaartay in uu soo gudbin doono 06 Bisha May ee Salaasada Berito, sidoo kale waxaa madasha fadhigaasi laga akhriyey Digreeto Madaxweyne Riyaale ku dhaqan galiyey xeerarka nidaamka garsoorka xeer LR 24, 2008, xeerka xoolaha, xeer Lr 34, 2008, xeerka maalgashiga shisheeyaha xeer Lr 29, 2008, xeerarkaasoo madaxweyne Riyaale markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen uu dib ugu soo celiyey ka dib markii uu soo jeedin ka soo sameeyey taasoo golaha Wakiiladuna ay ay soo jeediyeedinta madaxweyne Riyaale xeerkaasi ku ansixiyeen.

Intaa ka dib waxay mudanayaashu doodo kulul oo xamaasadi ka muuqatay ay ka dhiibteen ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn oo ka kooban afar qodob, taasoo mudanayaashii doodaha ka dhiibtey ku kale aragti duwanaayeen xaalada guud ee dalka iyo qiimeynta golaha.

Md: Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ahaa mudanayaasha dhaliilsanaa ajandaha ayaa isagu ku dooday “ ajandahan laguma soo darin xaaladihii qiimeynta golaha iyo khilafaadka siyaasiga ah ee dadka ka jira qodobadaasi oo ahaa kuwii aynu kalfadhigan u kordhinay, shirgudoonku ha noo sheego inuu soo jeedintiisa oo kaliya ku dhaqmayo, haddii shirgudoonku ka door bide waajibaadka Golaha ilaalinta qodobka 55aad ee xeer hoosaadka golaha waxba ma soconayaan, nimankan shirgudoonku waxay ka cabsanayaan haddii xeer hoosaadka wax ka bedel iyo kaabid lagu sameeyo qodobka 55aad ee nafta u keenay aynu u balan qaadno inaan qodobkaasi 55 ka la la bedelayn”.

Md: Siciid Cilmi Rooble ayaa isaguna ku dooday in ajandaha lagu soo daro xeerkii miisaaniyada iyo xaalada guud ee dalka ka taagan oo uu tilmaamay in goluhu mawqif cad ka istaago khilaafyada taagan “ waxaan soo jeedin laha in ajandaha lagu daro xeerkii miisaaniyada ee doodiisu dhamaatay xaalada uu dalku ku jiro, golaha Guurtidu qaraar ayuu soo saaray, Komishanka iyo Axsaabtuna way soo saareen golaheenii wakiilada ee ummadu eegaysay inuu go’aan soo saarana wuu aamusan yahay oo waxba ma oga, waxaan soo jeedin lahaa inaynaan sidii goroyada madaxa ciida gelin aynu mawqif keena xaalada dalku ku jiro muujino”.

Md: Duur ayaa isaguna ku dooday in ajandaha lagu soo daro xeerarka miisaaniyada iyo mushaharka golayaasha Qaranka arintaasoo uu dhaliil uga soo jeediyey shirgudoonku inaanay mudnaan siinin, isagoo doodiisa ku daray in khilaafyada taagan goluhu mawqifka istaago.

Md: Aadan X. Diiriye ayaa isaguna ku dooday inay daruuri tahay in xeer hoosaadka golaha wax ka bedel iyo kaabidba lagu sameeyo, maxaa dhibaato ah ee dhacaya haddii aynu xeer hoosaadkeena kaabid ku samayno, ninka leh khilaafaadka dalka ka jira ayaan dhex dhexaadin ka galayaa, waxa fiican marka hore inuu xaaladaha gudihiisa ka taagan wax ka qabto oo uu nadiifiyo, sidaa darteed maadaama aynu xeerarka dalka loo samaynayaba wax ka bedelk ku samayno waa in aynu xeerkeena sixitaan ku samayno”
Md: Cumar Sanweyne ayaa isaguna ku dooday in ajandaha lagu kabo, qodobada kala ah, wax ka bedelka xeerka diiwaangelinta, khilaafyada ka aloosan muddo kordhinta golaha Guurtida iyo muranka doorashooyinka isagoo intaa ku daray in xeerka miisaaniyadana lagu soo daro, qodobada kale ee ajandahana layska laabo.

Md: Xuseen Ismaaciil Yuusuf ayaa isaguna ku dooday in marka hore golaha gudihiisu khilaafyada ka dhex aloosan qiimeyn ku sameeyo is fahana ka gaadho.

Isago dhinaca kalena taageeray arinka dhexdhexaadinta ee gudoomiyaha wakiiladu ka dhex wado xukumada iyo Asxaabta mucaaridka.

Md: Cabdiqaadir Askar ayaa isaguna ku dooday in ajandaha lagu soo daro qiimeynta khilaafka ka dhex aloosan gudida doorashooyinka , soona jeediyey in guddi soo qiimaysa khilaafka komishanka goluhu u saaro, isagoo intaa ku daray doodiisa in ajandaha lagu soo daro wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta oo uu tilmaamay in mushkilad weyni ka jirto qodobada khuseeya doorashooyinka, soona jeediyey in qiimeynta xaalada golaha dib loo dhigo.

Md: Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa isaguna ku dooday inaan xaalada qiimeynta golaha wakhtigan xaadirka ah la joogin soona jeediyey in ajandaha lagu soo daro dadweynihii lagu laayey dhacdadii mudaharaadka ahayd ee todobaadkii hore ka dhacday caasimada, kuna baaqay in ciddii dadka laysay goluhu qaraar rasmiya ka soo saaro, waxna layska weydiiyo falalka xukumadu kula kacdayso shicibka.

Gabagabadii fadhigaasi ayuu gudoomiyuhu ka sheegay in xeerarka miisaaniyada iyo mushaharka golayaasha qaranka kalfadhiga dambe golaha la hor keeni doono doodaha ajandahana nuxurkooda laysku soo ururin doono.
 

 


  Baarlamaanka Mbagathi Oo Lagu Amray Inay Hubkooda Wareejiyaan

Hargeysa, May 5, 2008 (Haatuf) – Xildhibaanada Baarlamaanka Mbagathi ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa fadhi ay doraad lahaayeen loogu sheegay inay ilaaladooda iyo hubkooda ku soo Diiwaangeliyaan muddo todobaad gudihiis ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Mbagathi Sheekh Aadan Nuur Madoobe ayaa u sheegay xildhibaanada inay Diiwaangaliyaan hubkooda, isaga oo sheegay sababta loo Diiwaangeliyo hubka ay tahay sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Baydhabo oo sii xumaanaya dartii.

Sheekh Aadan Madoobe waxaa kale oo uu Baarlamaanka u sheegay inay hubkooda iyo ciidamadooda ku wareejiyaan saraakiisha amaanka ee magaalada Baydhabo, ciddii ku wareejin weydana waxaa loo arkayaa inay ka soo horjeedo sugida amaanka.

Amarkan la siiyey Baarlamaanka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu dhawaan sheegay taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Bay Aadan Baariyow in amni darada ka jirta magaalada Baydhabo ay qeyb ka yihiin xildhibaanada baarlamaanka oo gudaha magaalada ku heysta hub iyo ilaalo u gaar ah oo aan laga war heynin, inkastoo warkaas u dafiray Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in eedeyntaas ay tahay mid aan sax ahayn.

Sidoo kale marar badan ayuu shirgudoonka Baarlamaanka Mbagathi ka hadlay hubabka iyo ilaalada ay xildhibaanadu wataan, taas oo hada ka hor hadal digniin ah ka soo saaray xildhibaanada la soo gala Baastooladaha, kuwaas oo uu tilmaamay in ay hubkooda kaga yimaadaan guryaha ay degan yihiin.

Si kastaba ha ahaadee waxaa baryahan dambe amaandaro weyni ka jirtaa Gobolka Bay, iyadoo lagu bartilmaamsanayo saraakiisha ciidanka dawlada ka tirsan.
 

 


  Diyaaradaha Maraykanka Oo Dul Haadaya Hawada Gobolada Hiiraan Iyo Galgaduud 

Hargeysa, May 5, 2008 (Haatuf) – Diyaaradaha Maraykanka ayaa dul heehaabaya Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, taas oo keentay cabsi badan oo dadka degan deegaankaasi ku keentay inay guuxa diyaaraha ku dhalisay cabsi xoog leh.

Tan iyo sidii diyaaraha maraykanku duqaynta ugu gaysteen ee ay ku dileen Hogaamiyihii Al-shabaab ee Aadan Xaashi Cayrow habeenkii khamiistu soo galaysay, taas oo keentay inay Diyaarahadaha Maraykanku ka dul haadayaan hawada Gobolladan.

Shacabka ku dhaqan gobolladan ayaa sas ka qaaday guuxa Diyaarahan, taas oo ka shaki qabaan in duqayn dhanka cirka ah lagu fuliyo laguna bar tilmaamaysanayo guryo ku yaal magaalooyinka hoos yimaada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Dadweynaha deeganka degan ayaa ka warwar qaba inay Bar tilmaamyo ka dhigtaan diyaaraha Maraykanku deegaankooga, taas dadweynaha meesha ku dhaqani sheegayaan in uu Maraykanku marmarsiiyo uga dhigo in ay ku raad jiraan qaar ka tirsan Saraakiisha Al-shabaab , halkaas oo dabadeeto lagu laayo shacabka aan waxba galabsan ee ku nool labadan gobol.

Waxay kale oo ay shacabka ku nooli deegan Diyaaraduhu dul hoganayaan ay sheegeen in in ay ujeedada diyaaradahani tahay sidii ay u duqayn lahaayeen magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo ay leeyihiin dad lagu tuhunsan yahay inay u shaqeeyaan ururka Al-shabaab.

Sida laga war qabo dhamaadkii todobaadkii ina dhaafay ayey Gantaalo lagu duqeeyey magaalada Dhuuso mareeb, taas oo ay ku dileen saraakiisha ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliye, taas oo ay ku dileen Gudoomiyahoogii Aadan Xaashi Cayrow. Waxaanay shacabku ka naxsan yihiin in marlabaad duqayn kale loo gaysto deeganadan.

 


 Doonyo Laga Afduubay Saylac Oo Weli Haysto Degaanka Conqor Ee Gobolka Sanaag

Berbera, May 5, 2008 (Haatuf) – Saddex Doonyood iyo laba Laash oo ah kuwa Kalluumaysiga iyo shaqaalihii ka shaqaynayay oo tiradoodu ka badan tahay 50 qof oo toddobaadkii hore laga soo afduubay xeebaha degmada Saylac ayaa weli afduubayaashii ku haystaan degaanka Conqor oo ka tirsan xeebaha gobolka Sanaag.

Afduubayaasha doonyahan ayaa la sheegay inay u haystaan xoolo ay Carafadii hore u direen magaalada Caddan ee dalka Yemen, xoolahaas oo uu wakiilkii Yemen u joogay kala aamusay lacagtii xoolahaas lagu iibiyay, sidaas darteedna ay kooxdan afduubayaasha ahi ay tallaabadan u qaadeen sidii ay u heli lahaayeen lacagtoodii.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil Axmed Aadan Dheere, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Somaliland, oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa sheegay inay arrintan odayaal ka soo jeeda deegaankaasi ay u direen si ay wax uga qabtaan, isagoo xusay inay odayaashaasi uga faro dhuudhuuban yihiin wax ka-qabashada arrintaas.

Nin la yidhaahdo Saleebaan Cabdi, una dhashay Somaliland, ayaa sheegay in mid ka mid ah doonyahaas uu isagu mulkigeeda leeyahay, kuwa kalena uu u ahaa wakiil, waxaanu sheegay inay doonyahaasi ruqsad kalluumaysi ka haystaan Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo uu xusay in xukuumaddu ay ka qaadi jirtay sannadkii midkiiba lacag gaadhaysa 9 Milyan oo Shilling Somaliland ah iyo $700. Sidaas daraadeed waxa uu Saleebaan Cabdi ku dooday in Xukuumadda Somaliland looga baahan yahay inay si degdeg ah wax uga qabato afduubka loo geystay doonyo ruqsad ka haysta dalka iyo kuwo muwaadiniini ay iska leeyihiin, si aanay u iman xaalad nabadgelyo darro oo ka dhacday degaanka xeebaha ee u dhexeeya Somaliland iyo Yemen, isla markaana aanay budhcad-badeedu uga faa’iidaysan inay ku soo dhex dhuumato.

Gudoomiyaha Iskaashatada Kalluumaysiga ee gobolka Saaxil, Yuusuf Cambar, ayaa isna sheegay in arrintaas ay si dhakhso ah xukuumaddu tallaabo adag uga qaado si aanay xiisad nabadgelyo-darro uga dhicin degaanada badda.

Waa markii ugu horeysay ee afduub noocan oo kale ahi uu ka dhaco xeebaha Somaliland, waxaanay dhacdadani ku soo beegan xilli ay xeebaha wadanka jaarka la ah Somaliland ee Somalia ay ku sugan yihiin Maraakiibta dagaalka ee dawladaha waaweyn Maraykanka, Faransiis, Spain, Germany iyo Talyaaniga, kuwaas oo baadi-goob iyo ugaadhsi ugu jira budhcad-baddeeda afduubka maraakiibta ka geysata xeebaha Somalia, iyadoo ay dhawaan golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay ansixiyeen qaraar u fasaxaya dawladahaasi inay maraakiibtooda dagaalku galaan meel kasta oo lagu sheego in afduub loogu qabsado maraakiib iyo doonyo.


 


  Maayerka Berbera Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Booqday Tuulada Laaso-Dacwo Oo Uu Khasaare Gaadhsiiyay Roob Dabaylo Wataa

Berbera, May 5, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Cali ayaa maalintii shalay booqday Tuulada Laasa-Dacawo, kadib markuu tuuladaasi ka da,ay roob dabaylo wataa doraad Galab, robkaas oo khsaare aan yarayn u gaystay qaybo kamid ah dhismayaasha Tuuladaasi oo uu kamaid yahay dugsiga wax barashada ee Tuuladaasi.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, Gudoomiyaha degmada Berbera ahna duqa magaalada Berbera oo ay Booqashadiisa Tuulada Laaso Dacawo ku weheliyeen Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Maxamed Axmed, Taliyaha Qaybta Booliska G/Saaxil, Taliayaha Saldhiga dhexe ee Booliska Berbera iyo koox weriyayaal ahi ayaa muhiimada booqashadiisu ahayd sidii ay indhaha uga soo qaadi lahaayeen baaxadda khasaare ee uu gaadhsiiyay Roobkaasi dabaylaha watay Tuuladaasi iyo nawaaxigeeda.

Duqa Berbera iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa waxa ay ugu horeyn booqdeen iskuulka oo ahaa oo isagu ahaa goobta uu khasaaraha roobkaasi gaystay ugu miisaanka waxaanay warbixin kaga dhegaysteen Maamulaha dugsiga kaas oo sheegay inay dhigtaan dugsiga arday tiradoodu gaadho ilaa saddex boqol oo arday kuwaas oo Boqol iyo labaatan kamid ahi ku jireen fasalada uu roobku dumiyay waqtiga uu da,ayey roobkaasi dabaylaha watay hase yeeshee aanay wax khasaare ahi gaadhin ardayda oo ilaahay kasabata bixiyey, waxa kaloo ay halkaasi warbixino kusiiyay odayaasha degaanka oo uu kamid ahaa Head-manka Tuulada laasa Dacawo Aadan Colujoog Axmed, sidoo kalena waxa iyaguna halkaasi kaga war bixiyay khasaaraha uu roobkan iyo kuwo kahoreeyayaba gaadhsiiyeen Beweraha degaanka Tuulada nin u hadlay beeralayda ayaa waxa uu weftiga unsheegay in ay jiraan dhowr beerood oo uu mishiinadii ka qaaday roobkaasi dabaylaha watay iyo kuwo ka horeeyayaba sidaas daraadeedna ay u baahan yihiin in laga caawiyo khasaarahaasi kasoo gaadhay roobka.

Duqa Berbera oo isaguna halkaasi dhegeysiga warbixinaha lasiinayay isaga iyo weftigiisa kadib hadal kooban uga jeediyay odayaasha ayaa waxa uu u balan qaaday in uu sida ugu dhjaqsaha badan ugu dhisi doono ardayda dugsiga uu ka dumiyay roobku maalinta Beri ahna uu usoo diri doono ingineer qiimeemya dib u dhiska dugsiga.
 

 


 Xukuumadda Madaxweyne Riyaale Oo La Filayo Inay Wax Ka Bedesho Mawqifkeedii Ku Waajahnaa Khilaafka Cakiran Ee Doorashooyinka

Hargeysa, Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa inay wax ka bedesho mawqifkeedii ku waajahnaa khilaafka cakiran ee ka taagan arrinta doorashooyinka.

Sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo laga soo xigtay dhinaca Madaxtooyada waxay Madaxweyne Riyaale iyo golihiisa xukuumaddu ku mashquulsan yihiin maalmahan u dambeeyay sidii ay u soo qadimi lahaayeen mawqif cusub oo ay wax ka bedelayaan mawqifkoodii hore ee ahaa inay ayidsan yihiin go’aankii golaha Guurtida ee wax ka bedelay jadwalkii doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Inkasta oo aan si sugan loo ogeyn mawqifka cusub ee xukuumaddu soo bandhigayso haddana waxay wararku tibaaxeen in xukuumaddu damacsan tahay inay ayido muddadii ay Komishanku u cayimeen doorashooyinku inay qabsoomaan oo kala ah October 6, 2008 iyo 31 December 2008.

Sida ay wararku sheegeen soo jeedinta caynkaas ah waxay xukuumaddu farta ka saari doontaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, oo in dhawaydba isaga dab-qaadayay xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda, iyadoo la sheegay inuu gudoomiyaha Wakiiladu dhinacyada khilaafku ka dhex oogan yahay, gaar ahaan mucaaridka iyo Xukuumadda ka dalbaday inay meel dhexe isugu yimaadaan, hase yeeshee bilowgii dhexdhexaadinta waxay dhinacyada xukuumaddu iyo mucaaridku soo qadimeen laba mawqif oo aad u kala durugsan, taas oo ay xukuumaddu qoraal rasmi ah oo ay soo saartay dabayaaqadii bishii hore ay ku sheegtay inay ayidsan tahay go’aankii golaha Guurtida, wax kaloo laga hadli karaana aanay jirin, halka ay axsaabta mucaaridkuna si adag ugu celceliyeen inaanay aqoonsanayn go’aanka golaha Guurtida, kuna tilmaamay sharci-darro aan geedna loogu soo gaban.

Sidoo kale, xisbiyada mucaaridku (UCID iyo KULMIYE) waxay si adag ugu celceliyeen inaanay Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisa aqoonsanayn wixii ka dambeeya 15-ka May oo ah maalinta ay ku buuxdo muddadii shantii sannadood ahayd ee Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa loo doortay kuraasta sare ee Madaxtooyada.
Wararka ku saabsan mawqifka cusub ee laga filayo Xukuumadda Madaxweyne Riyaale may sheegin sida ay xukuumaddu uga mawqif qaadanaysa go’aankii golaha Guurtida oo muddeeyay in ay doorashada Madaxtooyadu dhacdo bisha April 2009, waxayna wararku sheegayaan inay xukuumaddu damacsan tahay inay laba u kala qaado muddadii ay cayimeen Komishanka iyo go’aanka Guurtida, laakiin lama ogga inay xukuumaddu daadefayn doonto go’aanka Guurtida iyo in kale. Sidoo kale haddii ay xukuumaddu soo qadinto mawqifka caynkaas ah lama ogga sida ay axsaabta mucaaridku arrintaas ka yeeli doonaan iyo jawaabta ay bixin doonaan, waxaana lays weydiinayaa haddii ay xukuumaddu ayido jadwalkii muddada doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Komishanka iyo xisbiyadu qaranku maxay yeeli doonaan labada xisbi ee mucaaridku, iyadoo su’aasha lays weydiinayaa ay tahay haddii ay xukuumaddu miiska soo dhigto go’aan ay ku aqbalayso heshiiskii Komishanka iyo xisbiyada, labada xisbi ee mucaaridka ahi maka soo degayaan mawqifkoodii adkaa ee nuxurkiisu ahaa Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisa waxaa xilku kaga egyahay 15-ka May, wixii muddadaas ka dambeeyana waa inay dibadda uga baxaan aqalka Madaxtooyada ee wadanka looga taliyo, iyadoo ay xisbiyadu hore uga dhawaajiyeen hindise odhanaya waa in la helo xukuumad cusub oo dalka doorasho gaadhsiisa.

Mawqifka cusub ee la filayo inay xukuumaddu soo bandhigto habeenkii xalay ayaa la filayay inay u gudbiso gudoomiyaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cirro oo lagu waday inay habeenkii xalay kulan ku yeeshaan Qasriga Madaxtooyada, hase yeeshee ilaa imika lama ogga inuu kulankaasi xalay qabsoomay iyo in kale.

Sida la ogyahay waxa dalka ka aloosan dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay khilaaf aad u cakiran oo ka dhashay muddo-kordhintii ay golaha Guurtidu muddada sannadka ah shaanbada ugu dhufteen Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo ay golaha Guurtidu fara-gelin ku sameeyeen, waxna ka bedeleen jadwalkii cayimida doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Komishanka iyo Xisbiyada qaranku, taas oo loo arkay meel-ka-dhac weyn oo ay ku tallaabsadeen golaha Guurtidu, iyadoo ay Komishanka qaranku yihiin hay’adda keliya ee uu sharcigu xaq u siinayo inay cayimaan muddada doorasho kastaa dhacayso.

Marka la eego heerka uu taagan yahay khilaafka arrintaas ka dhashay iyo mawaaqiifta aad u kala fog ee ay kala taagan yihiin Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridku, waxay saansaanta muuqataa farta ku fiiqaysaa marxalad baqdin weyn leh oo dalka soo waajahday, iyadoo laga baqayo isku-dhac si weyn u saameeya xasiloonida iyo atamosfeerka siyaasadeed ee Somaliland, taas darteedna waxay dadka arrimaha siyaasadda odorosaa u arkaan inay xaaladdu xumaan karto haddii aan la helin xal wax ku ool ah.
 

 


 Wakhtiga Madaxweyne Riyaale Waxa Ka Hadhay Inta Doorasho Lagaga Helayo

Aniga oo ah Prof. Axmed Jaamac Bootaan, ahna oday weyn oo reer Somaliland ah, in muddo ahna warbaahinta waan ka maqnaa sababo dantayda ah. Waxse maanta isoo jirabay xaaladda dalka oo masraxa muran siyaasi ahi ka oogan yahay, waxaanan rabbaa inaan wax ka idhaahdo marxaladda siyaasadeed ee lagu jiro maanta:

Ismaan-dhaafka ka taagan muddada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
1. Horta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa lama magacaabine waa la doortay, si xor iyo xalaal ah. Haddiiba doorasho qabsoomi weydo inta ka horeysa 15 May 2008, sida dastuurku qeexayo waxa xilka sii haynaya iyaga laftooda, ilaa iyo intay doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoomayso. Haddaan la riyoonahaynin cid kasta oo ku talo-gashay in 15 May xilku kaga egyahay waxaan leeyahay ma dhacaysee haku fekerina in khalkhal la galo.
2. Guurtidu kordhinteeda waxay u cuskatay xeerka Diiwaan-gelinta oo qeexaya in muddo lix bilood ahi u dhaxayso doorashada iyo diiwaangelinta, waana hay’adda keliya ee xaq dastuuriya u leh muddo-kordhinta.
3. Dalka dastuur baa kala hagga, damacana xeer baa xakameeya. Dastuurku waa ka anigana iga dhigay bilaa-camalka (bilaa shaqo), nin-na ka dhigay wasiir ama mudane, iwm. Haddaan dastuurka la ixtiraamin qofna ma helayo ixtiraam qaran, dalkuna wuxuu noqon mid fowdo ah.
Markaa waxaan leeyahay kursigan Madaxweynaha si keliya ayuun baa lagu fuuli karaa, taasina waa doorashadii uu ku fadhiistay oo keliya.
Ugu dambayn waxaan leeyahay Madaxweynuhu dhab libaax kuma jiro, mid tuugna kuma hurdo, wuxuu ku hurdaa dhabta reer Somaliland ee dooratay. Waar wax halayskula hadho ilayn berito ayaad Madaxweyne noqon kartaane, waxaanad berito jeclaan doonin ha xeeran.
 

 


  Wakaaladii Biyaha Ee Dadka U Daneeye Laga Kiciyay Danaystaa La Keenay

Aniga oo ah Ayeeyo Sahra Cabdi Cali, waxaan Rabbi iyo Rag uga cabanayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo iga haysta xuquuqdii wiilkayga oo uu shaqadii uu ka hayay wakaaladda ka eryay.

Wiilka aan dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Xasan Diiriye (Fara-Dheere), waxa uu shaqada wakaaladda biyaha ka bilaabay isagoo 16 jir ah, isagoo ahaa farsama-yaqaankii wiishka wakaaladda u xilsaarnaa. Haddaba waxaa dhacday in uu Maareeyaha cusubi shaqadii ka eryay inankayga sannadkii hore. Sababta ayaa ahayd inuu bir daxalaysatay oo dalooshayna uu nin ii qaad ku yidhi, kadibna uu u qaaday. Inankayga weligii cid ismay qabsan intii uu ka shaqaynayay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, taas oo ay maamulo kala duwani soo mareen.

Haddaba haba ka eryo shaqado’e, waxaa dhacday inuu xuquuqdiisii oo noqonaysa in ka badan lix milyan (6,000,000) uu weli ka haysto.

Maareeye Khaliif waxa uu yidhi waxaa laydinku leeyahay laba sannadood biyahoodii oo aan u goosanayaa, waxaanu ku nidhi waanu ogolnahay ee baaqiga uun na sii, iyadoo lacagta biyaha ee labadaa sannadood ay noqonayso ilaa laba milyan iyo dheeraad, inkastoo uu ninka shaqaalaha ahi leeyahay qiime biyaha gurigiisa loogu qiimeeyo.
Waxaa dhacday inaan marar badan anigu aan ugu tegay xafiiskiisa, oo aan ka dalbaday inankaad shaqadii ka eriday ama shaqo sii ama xuquuqdiisii sii, xataa waxaan u diray xildhibaano.

Waxaan leeyahay naagtii guurka badnayd waxay tidhi ka dooro uun baan idhaahdaa, waan ka sii daraa, ma maantaan dalanbaabiga meel diriya ku dhacay. Taas waxaa ka dhigan kuraasida dawladda, halkii dadka u daneeye laga kiciyay baa danayste la keenay.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay Maareeyaha Wakaaldda Biyaha Hargeysa, Khaliifow inan iyo dhaxdin baan kuu ahay ee xuquuq wiilkayga sii ama shaqadiisii ku celi.

Top