|
Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin
Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U
Warantaa’ Bannaanbaxa
Kulmiye Ee Shalay Ma Yahay Tallaabadii U Horeysay Ee Uu Ku Bilaabayey Iska
Caabinta Xukuumadda Rayaale?
Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf Ee Boorama
Isku-Day La Doonayey In Lagu Eryo
Maayar Ku-Xigeenka Degmada Saylac Oo Socon Waayey Iyo Tuhunka Ciddii Ka
Dambaysay
Senator Obama Oo Qarka U Saaran Inuu
Noqdo Musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Ee Xisbiga Dimoqraadiga
Boqolaal Ka Mid Ah Taageerayaasha
Kulmiye Ah Oo Isu-Soo-Bax Ballaadhan Ku Qabtay Xarunta Xisbiga Ee Hargeysa
Wefti Ka Socday Safaaradda Britain Ee
Itoobiya Oo Madaxweyne Rayaale Kala Hadlay Arrimaha Doorashooyinka
Madaxweyne Rayaale Oo Guddi 10 Xubnood
Ah U Magacaabay Qaban Qaabada Xuska 18-ka May
|
|
| Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex
Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari
Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’ |
Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Cabdi-Casiis Aadan Habane oo ahaa wadaha
gaadhigii lagu dhex toogtay Alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac
magaalada Hargeysa markay taariikhdu ahayd 26/4/2008 ayaa Salaasadii
dorraad la saaray Maxkamad milateri, iyada oo ilaa hadda aanay bileysku
soo qaban gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo la sheegay inuu ka
tirsan yahay ururka Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.
Falkan naxdinta leh ee ay ku qudh-baxday gabadh labaatan jir ah oon
waxba galabsan, waxa uu ka dhacay waddo ku dhaw Beerta Xorriyadda ee
Hargeysa goor ay saacaddu ahayd 11:20 habeenimo, iyadoo ay marxuumaddu
xilligaa ka timid xaflad aroos ah kuna socotay gurigoodii markii uu si
lama filaan ah askari ka tirsan ciidanka Qaranku xabad rasaas ah ku soo
ridday gaadhi uu waday Cabdi-Casiis Aadan oo ay Hani saarnayd.
Xabadda rasaasta ah ee lagu ridday gaadhiga ayaa intay soo jiidhay
daaqadda dhinaca bidix ee shidhkii gaadhiga dabadeed ku dhacday Hani.
Hase yeeshee taliyaha Bileyska Somaliland Saqadhi Dubad ayaa iyada oo
aan baadhitaanba lagu sameynin falkii dhacay ku eedeeyay darawalkii
gaadhiga inuu xoog ku soo jiidhay ciidamo waddada ilaalinayay.
Haddaba inkastoo aanu Cabdi-Casiis ka tirsaneyn ciidamada oo uu yahay
nin shicib ah, haddana waxa maalintii dorraad la horgeeyay Maxkamad
milateri oo fadhi ku yeelatay dabaqa sare ee saldhigga dhexe ee Bileyska
Hargeysa.
Nin Xeer-ilaaliye ka ah Maxkamaddaa ayaa waxa uu Cabdi-Casiis u sheegay
inuu yahay eedaysanaha koowaad ee dilkii Hani Xasan, waxaanu ku eedeeyay
inuu jiidhay 3 hurimood oo ciidan ah oo jidka ku jiray. Hase yeeshee
Cabdi-Casiis waxa uu eedahaasi kaga jawaabay in aanu ogeyn xero ciidan
oo ku dhex taala magaalada, isla markaana aanu maqal wax bandoo ah oo
lagu soo rogay magaalada, ciidan uu jiidhayna aanu jirin.
Cabdi-Casiis waxa kale oo uu Maxkamadda u sheegay in uu yahay dhibanihii
la toogtay ee isagu Bileyska u ashkatooday.
Cabdi-Casiis ayaa hore u sheegay in aanu wax ciidamo ah ku arag waddada
balse ay niman aanu arkeyn isaga oo caadi u wata gaadhiga ay dhinac ka
soo toogteen isla markaana uu aaminsan yahay in falkani ahaa shirqool
abaabulan oo lagu dilayey.
Taliska Ciidamada Qaranka ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin
arrintan, laakiin waxa jira askari aad loo hadal hayo oo la isku raacsan
yahay inuu yahay gacan-ku-dhiiglihii isagu toogtay Hani Xasan.
Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa isagu ku adkeysanayey in
askariga la tuhunsan yahay inuu dilka geystay iyo baadhitaanka kiiskaba
loo daayo milateriga taas oo ka horimanaysa sharciga, Somaliland-na ka
dhigaysa dal lagu maamulo xukun milateri oo sooc ah.
Taliyaha Ciidanka Qaranka, Nuux Taani waxa uu meel fagaare ah ka sheegay
in qof ciidan ah oo waajibkiisa gudanayay aan loo xidhi karayn qof
shicib ah.
Ilo xog-ogaal ah oo kala duwan ayaa Haatuf u sheegay in sababta dhabta
ah ee uu Nuux Taani uga warwareegayey inuu askariga farta lagu fiiqayo
horkeeno sharciga ay la xidhiidho askariga oo ka soo jeeda beesha
Madaxweynaha.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani ayaa xidhay nin
sarkaal ciidan ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Siciid Bullaale
kadib markii lagu eedeeyay in uu ku taliyay in askarigii la tuhunsanaa
inuu geystay dilkii Hani Xasan la horkeeno cadaaladda.
Sarkaalkan oo ka mid ah hoggaanada ciidanka, isla markaana laftarkiisu
ka soo jeeda beesha Riyaale, ayaa waxa kale oo lagu soo eedeeyay inuu
warar siiyey wargeyska Haatuf. Hase yeeshee Tifaftiraha wargeyska ayaa
beeniyay inay arrintaasi jirto, waxaanu yidhi: “Ma jiro haba yaraatee
wax xidhiidh ah oo dhexmaray Cabdi-Risaaq Bullaale iyo Haatuf ama warar
uu askarigaasi siiyey wargeyskan”.
Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa culays ku
saaray Cabdi-Casiis Aadan Habane inuu dib uga noqdo fasiraadii uu ka
bixiyey falka ee uu ku sheegay inuu ahaa shirqool isaga lagu dilayey.
Masuuliyiintani waxay Cabdi-Casiis kula gorgortamayaan in haddii uu ka
tanaasulo eedda ah in la shirqoolayey xabsiga laga sii deyn doono.
Dhinaca kale qoyskii iyo reerkii ay ka dhalatay marxuumadda la dilay iyo
hooyadeedii dhashayba waxay qoraallo ay hay’adaha sharciga u gudbiyeen
ku caddeeyeen in aanay wax dambi ah u haysan Cabdi-Casiis Aadan Habane.
Bannaanbaxa Kulmiye Ee Shalay Ma Yahay Tallaabadii U Horeysay Ee Uu
Ku Bilaabayey Iska Caabinta Xukuumadda Rayaale?
Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf Ee Boorama |
Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Kulmiye ayaa shalay qabanqaabiyey, isla
markaana meelmariyey bannaanbax silmi ah oo uu ku fulinayey
ballanqaadkiisii ahaa inaan hadda kadib xisbigaasi gacmaha ka laaban
doonin gardarrooyinka iyo dibindaabyada xukuumadda Rayaale la
daba-joogtay tan iyo intii uu xilka dalkan madaxweyne-nimada Rayaale ku
qabsaday doorashooyin muran iyo shaki badan lahaa.
Tallaabadan, uu xisbigaasi ku horkacay boqollaal qof oo ka taageera
magaalada Hargeysa, ayaa dhinaca kale loo qaadan karaa inay ka dambaysay
ballanqaad shalay ay masuuliyiinta xisbigaasi ku ballanqaadeen inay
hadda wixii ka dambeeya u dulqaadan doonin dibindaabyada iyo weerarada
qaawan ee askarta xukuumadda Rayaale ku hayso xisbigaasi, taas oo uu
hoggaamiyaha xisbigaasi, Axmed Siillaanyo ku caddeeyey in hadda wixii ka
dambeeya uu samirkii ka dhammaaday, taageerayaashiisa iyo masuuliyiinta
xisbigaasi ee xidhxidhanna uu xorriyaddooda raadin doono, taasina ay
dhalisay bannaanbaxyadan sida nabadgelyada ah uga dhacay magaalada
Hargeysa.
Haddaba markaad eegto hadalada isdaba-joogga ahaa ee beryahanba ka soo
baxayay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Kulmiye, ayaa loo
haystay uun inay ahayd hadallo madhan oo uu taageerayaashiisa cabsidu ka
badatay ka yeelayn, wax kastoo uu u sheego.
Tallaabadan shalay waxa kale oo ay ka tarjumaysaa in taageerayaasha
xisbigaasi haatan ay dhaafeen, ama ka gudbeen been abuur xukuumadda ka
soo yeedhi jiray oo ahayd Kulmiyaa nabadda duminaya, iyadoo la ogyahay
in cidda kaarayaasha iyo qoryaha waaweyn haystaa ay tahay dawladda, taas
oo dhawaan dad shicib ah ku laysay Hargeysa mar ay qaar ka mid ah
dadweynaha magaaladaasi samaynayeen cabshooyin.
Arrinta kale ee shalay la yimaaddeen mudaharaadyadaasi shalay, ayaa ah
mid Xisbigaasi ku muujinayey inaanu hadda wixii ka dambeeya
taageerayaashiisa cidlo kaga tegi doonin, isla markaana aanu hadda
kaddib aqbali doonin ergo been ah, sasabe iyo khiyaamo Rayaale soo faro
culimaa’uddiin, salaadiin, siyaasiyiin, akademiyada nabadda, guddiga
wanaag-farista iyo cid kastoo u soo baxda Rayaale mar kasta oo dulmiga
iyo caddaalad darradu cidhiidhi geliso maamulkiisa, qaybahaas ka midka
ah dadweynaha oo xisbigaasi ka duudsiyey guushii uu helay
doorashooyinkii madaxweyne-nimada Rayaale kusriga keentay, sida dad
badani aaminsan yihiin.
Sida la ogyahay xisbigaasi hoggaankiisa iyo masuuliyiinta oo tan iyo
markii xukunka Rayaale qabsaday lagu hayey wax aan xisbiyada kale lagu
haynin, iyo takoorid ciddii sheegata loo arko cadow, ayaa dhinaca kale
waxa shirweynihiisii ku soo biiray ama masuuliyiinta sare loo magacaabay
ama lagu daray qaar ka tirsan saraakiishiisii ugu sarraysay hoggaankii
SNM, kuwaas oo Rayaale isku dayey inuu dhawr jeer xabsiyada dhigo balse
ku guuleysan waayey, sidaas darteed ayaa dad badan oo halkan joogaa u
qaateen in ragga uu ka mid yahay Muuse Biixi, ay xisbigaasi durba u
dhaqaajiyeen dhinaca iska caabbinta xukuumadda Rayaale, sababtoo ah
waxay aaminsan yihiin in Rayaale u arko cadow u baahan in la ugaadhsado,
sidaas darteedna aanay haysan meel kale oo ay ku gabban karaan.
Sidoo kale waxay arrinta isbeddelka hoggaanka xisbigani bannaanka soo
dhigtay inay muujiyaan xeeladihii ay ku burburiyeen xukunkii
keli-taliska ahaa ee Afweyne, haddii kale dagaalyahannimadii ay sheegan
jireen ay ahayd uun faan aanay waxba uga hooseyn, Siyaad Barrena
illaahay uuni jebiyey.
Si kastab ha ahaatee waxa soo dhawaatay saacaddii Rayaale xukunkiisu ku
ekaa ee 15 May, iyadoo dhinaca kalena uu Rayaale dabbaal-degga 15-ka May
uu u magacaabay guddi, haddaba xaggay iska dhaafsan yihiin labada
arrimood?
Rayaale oo khudbaddiisii uu dhawaan baarlamaanka ka hor akhriyey ugu
hanjabay axsaabta Mucaaradka, iyo cadhadii hoggaanka xisbigaasi ka
qaaday hadaladaasi yaraysiga ahaa, ayaa la ogaan doonaa wixii ka
dambeeya 15-ka May.
Inkastoo guddoomiyihii xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali
Waraabe, aad mooddo inuu dib uga sii guranayo, ama uu dib uga sii
guranayo baaqii ay wada-jirka u gaadheen isaga iyo hogaanka KULMIYE,
bannaanbaxanina uu Kulmiye ku gooni ahaa, waxay dad badani
saadaalinayaan in aakhirataanka siyaasadda dalkani saldhigan doonto oo
keli ah haddii Dawladda Rayaale iyo ciidankiisa shacbigu tusaan inaanay
shaqaynayn kaarayaal iyo ciidammo koofiyad cas ahi, haddii uu xaalka
dhaafo halka maanta uu marayo, laguna soo dabbaali waayo wada hadal aan
ahayn mid mucaaradka tanaasul lagaga doonayo, iyadoo aanay weli dhicin
in Daahir Rayaale la soo mariyo wax aan ahayn ta uu doonayo, weligiina
aanu tanaasulin.
| Isku-Day
La Doonayey In Lagu Eryo Maayar Ku-Xigeenka Degmada Saylac Oo Socon
Waayey Iyo Tuhunka Ciddii Ka Dambaysay |
"Waxaas oo kale igama suurtoobaan, aqoonna uma lihi..”
ku-xigeenka Maayarka Saylac Boorama, May 8, 2008 (Haatuf)
– Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya cidda ka dambaysay qoraal ku
saabsan cidda qaban doonta maamulka gobolka cusub ee Selel ee dhawaan
Rayaale magacaabay, magacaabistaas oo durba tuhun iyo dareen badan ka
dhex oogtay beelihii hore u wada degi jiray Gobolka Awdal.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, qoraal ku soo baxay shabakadda wararka ee Lughayanews, laguna
falanqeeyey maamulka iman doona ee gobolkaasi, ayaa waxa jawaab kulul ka
bixiyey guddoomiye ku-xigeenka degmada Saylac, Cismaan Muumin Caarre,
kaddib markii sida la sheegayo qoraalkaasi lagu qoray magaciisa,
inkastoo tifaftirka shabakaddaasi ku qoraa maqaalkaasi.
Cismaan Muumin, Maayar ku-xigeenka degmada Saylac oo arrintaa weriyaha
Haatuf kala hadlay isagoo Saylac jooga ayaa yidhi: “Waa nasiib darro in
waxyaalahaasi oo kale, oo aanan shaqo ku lahayn lagu shaabadeeyo
magacayga, isla markaana la doonayo in qoraalkaasi loo been abuuro si
loo xumeeyo magacayga iyo masuuliyadda aan u hayo Golaha, dawladda iyo
shacbiga aan masuulka u ahayna la iskaga kaayo horkeeno. Anigu sidaydaba
waa la igaga fiican yahay qoraalada iyo hadalada keeni kara in lagu kala
fogaado, oo lagu waxyeeleeyo midnimada shacbiga degaankan iyo gobolkan
cusub ee Selel weligoodba degi jiray. Waxaan maamulka sare ee xukuumadda
Somaliland, hay'adaha garsoorka, iyo cid kasta oo ka shaqaysa arrimaha
dawladnimada ka codsanayaa inay daba gasho ciddii falkaasi ka dambaysay
isla markaana magacayga ka been abuurtay. Waxaan doonayaa in caddaaladda
la horkeeno, si aanay mar dambe arimahaas oo kale uga dhicin degmadan
haatan magaalo-madaxda u ah gobolka Selsel. Anigoo dadka masuul u wada
ah, ayaanan ku hadli karin af beeleed iyo mid shakhsi toona, balse
haddii aan hadlana ku hadli karaa magaca dawladnimada, waxaan
tuhunsanahay inay arrimahaasi ka dambeeyaan xubno ka tirsan dadweynaha
reer Saylac ama ha ahaadeen shaqaalaha eh, ciddii ay ku caddaatana
maxkamad la horkeeni doono."
Faaladan lagu baahiyey shabakadda Lughaya, ee maayar ku-xigeenku ka
cawday, ayaa warar aan la xaqiijin sheegeyaan inuu jiro tuhun arrintaasi
ku saabsan oo lagu xidhiidhinayo xafiiska Maayarka Degmada Saylac iyo
xubno ka tirsan isla golahaasi, kuwaas oo sida la sheegayo ka soo jeeda
beesha Ciise laguna tuhunsan yahay inay ka been abuureen guddoomiye
ku-xigeenka, Cismaan Muumin, oo isagu ka soo jeeda Beelaha Samarroon,
gaar ahaanna Beesha Maxamed Case.
Inkastoo maayarka Magaaladaasi, Maxamed Cumar Xadi iyo ku-xigeenkiisu,
ay ahaayeen laba masuul oo muddo dheer saaxiib ahaa, ayaa tan iyo markii
Rayaale magacaabay Gobolka cusub ee Selel waxa soo galay tuhun lagu
xidhiidhinayo inay dabada ka riixayaan qaar ka mid ah xildhibaano ku
dhawdhaw Maayarka, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dawladood ee
Somaliland, kana soo jeeda beesha Ciise, kuwaas oo sida la sheegayo
doonaya inay ku dhaleeceeyaan maayar-xigeenka oo ay uga shakisan yihiin
in maamulka gobolka gacanta loo geliyo, maayar ku-xigeenkaasi oo ka soo
jeeda beelaha samarroon ee degaankaasi ugu awoodda badan, isuguna dhaw
yihiin beesha Ciise, marka loo eego beelaha kale ee samarroonka, waxayna
u egtahay arrintani haddii la caddeeyo, bilowga dagaal siyaasadeed, mid
dhaqaale iyo mid degaan oo u bilowday shacbigii wada deggenaa gobolka,
ee haatan la kala qaybiyey.
|
Senator Obama Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Musharaxa Madaxweynaha
Maraykanka Ee Xisbiga Dimoqraadiga |
Indianapolis, May 8, 2008 (W. Wararka) - Senator Barack
Obama oo ah Musharaxa Madaw ee uu tartanku ka dhexeeyo haweenayda
Hillary Clinton ayaa la saadaalinayaa inuu noqdo Musharaxa ku guulaysan
doona doorashooyinka kama dambaysta ah ee Xisbiga Dimoqraadiga dhexdiisa
kadib markii uu Salaasadii si weyn ugaga guuleystey Hillary Clinton
doorashadii ka dhacday Gobolka North Caroline,halka Clinton ay waxyar
kaga badisay Obama Gobolka Indiana.
Doorashadii Gobolka North Carolina ee salaasadii ayaa waxa labada
Musharax ay ku tatamayeen kuraas dhan 115 taas oo Senator Obama uu helay
codad dhan 56 boqolkiiba halka Senator Clinton ay ka heshay 42
boqolkiiba.
Dhinaca kale Gobolka Indiana ayay Hillary Clinton faro ciddi leh kaga
adkaatey Obama kadib markii ay 72 ergey oo lagu tartamayey ay hal dhibic
kaliya kaga horeysay .
Senator Obama ayaa rajadiisu sii korodhay kadib markii uu dhowaan la
kulmay guuldarooyin kaga dhacay labada Gobol ee Ohio,Pennysallvania
kuwaas oo ay Hillary ku guulaysatey waxaana ay wararku sheegeen in
Barack Obama oo codad aad u badan ka horeeya Hillary Clinton uu teegeero
badan ka helo Todoba Gobol oo yaryar oo aaney weli ku tartamin.
Murashaxa Madowga ah ee Obama ayaa kadib guushii habeen hore uu ka
gaadhey Gobolka North Caroline isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa
waxa uu yidhi “ Caawa waxaa inooga dhiman oo kaliya Murashaxa Xisbiga
Dimoqraadiga ee Doorashada Maraykanka wax ka yar laba boqol oo cod
kaliya “
Senator Obama ayaa hadda waxa uu haystaa codadka erooyinka 1836 ergey
halka ay Hillary Clinton ay ka haysato 1681,waxaanu qofku ku
guulaysanayaa codad dhan 2025 ergey,sida ay sheegeen dadka sida aadka ah
ula socda arimaha doorashada Xisbiga Dimoqraadiga ee Dalka Maraykanka
ayaa tibaaxay in haddii toddobada Gobol ee hadhay ay ku guulaysato
Hillery Clinton aaney gaadhi karayn tirada uu ka horeeyo Obama,waxaaney
tibaaxuhu intaas ku dareen inaaney labadan Musharax midkoodna aanu
gaadhin tirada laga doonayo sidaas darteed waxaa labadooda kala saaraya
Xubnaha Dimoqraadiga ee loo yaqaan Super Delegates oo iyagu u
codayndoona,waxaaney u muuqdaan xubnahaasi Super Delegates ku ay u
codayn doonaan Obama maadaama oo uu ka cod badan yahay Clinton, waxaana
wararka hadda soo baxayaa ay sheegayan in lix xubnood oo ka mid ah kuwa
ugu miisaanka culus odayaasha Dimoqraadiyiintu ay sii sheegeen inay
codkooda siinayaan Obama .
Si kastaba haw dhacdee waxa ay dadka reer Maraykan ee taageera Xisbiga
Dimoqraadiga qaar badani usoo jeedinayaan Hillary Clinton inay iskaga
hadho tartanka hase yeeshee ilaa hadda may garowsan inay ka
hadho,waxaaney sheegtay inay sii wadi doonto ilaa dhamaadka, waxaaney
arimuhu hadda u badan yihiin inuu Obama sii kordhin doono dardartiisii
isla markaana ku guuleysto inuu noqdo ninka ay Xisbiga Dimoqraadigu u
doortaan inuu uga qayb galo doorashada Maraykanka ee dhacaysa bisha
November ee sanadkan aynu ku jirno.
Senator Barack Obama oo ah nin dhalinyaro ah oo Madow ayaa waxaa
taageeraya dadka Madawga iyo Caddaanka dhalinyarada ah ee lagu tilmaamo
isbedel doonka iyo dadka aqoon yahanka ee Jaamacadaha.
Top
| Boqolaal
Ka Mid Ah Taageerayaasha Kulmiye Ah Oo Isu-Soo-Bax Ballaadhan Ku
Qabtay Xarunta Xisbiga Ee Hargeysa |
“Daahir Riyaalow Horaad Diyaarado ula dhacday shacabka reer Hargeysa,
maantana kuwaad ku bajin lahayd Madaafiicda Iyo Mandheera ma nihin”
Siillaanyo
Hargeysa, May 08, 2008 (Haatuf) – Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa
shalay isu soo bax balaadhan ku qabtey Xarunta Xisbigaasi ku leeyahay
magaalada Hargeysa.
Isu soo baxan oo ka dhan ahaa Xukumada Riyaale ayey Xukumaddu xoog ku
saartay sidii aanu u qabsoomi lahayn isu soo baxaasi, hase yeeshee kumay
guulaysan inay is hortaagto, waxaana maalintii shalay ciidanka Bileyska
ee caasimadda la geliyay heegan sare, iyadoo taliskii bileyska oo uu
horkacayo Saqadhi Dubad ay isku xeereen fagaaraha xarunta xisbiga
KULMIYE, iyagoo taagnaa surin walba oo gala fagaarahaas, hase yeeshee
taageerayaasha KULMIYE ayaan dheg-jalaq u siin handidaada bileyska.
Sidoo kale, Bileyska ayaa heegan ka galay is-goyska Total ee Biriijka
Hargeysa koonfurta kaga toosan iyagoo bileysku ka cabsi qabay in
taageerayaasha xisbiga UCID ay iyaguna banaan-bax ka bilaabaan halkaas,
hase yeeshee taasi may ahayn wax jira ee waxay ahayd uun baqaha
Xukuumaddu ay ka qabto mawjado dad ah oo taageeraya mawqifka mucaaridka.
Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee ka hadlay isu-soo-baxan ayaa si weyn
ugu weeraray siyaasadda madaxweyne Riyaale taas oo ay sheegeen in uu ku
guul daraystay inuu dalka doorashooyin ka hirgaliyo.
Waxaa kale oo ay si weyn cambaareeyeen muddo kordhinta ay dhowaan
guurtidu ugu kordhisay hal sano madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo
ay ku tilmaameen inay tahay xaaraan islamarkaana aanay aqbali doonin,
sidoo kale waxay masuuliyiintii kulanka ka hadlay ay sheegeen in ay
mudaharaadyada noocan oo kale ah ee sidan nabadgelyada leh ay shacabku
ugu soo bandhigayaan dareenkooda ay waajib tahay, isla markaana uu
Dastuurku u balan qaaday in uu dadku ay waxay rabaan usoo bandhigaan si
nabadgelyo ah.
Waxaa kale oo ay sheegeen in Basaskii dadku soo raacayeen loo diiday,
isla markaana ay dawladu awood xoog leh ku saartay si aanu kulankani u
dhacin.
Waxaa halkaa ka hadlay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid
ahaa,Gudoomiyah Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo),
Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed, Gudoomiyah Gobolka Hargeysa Axmed Cumar
Cabdilaahi ( Xamarji) iyo Masuuliyiin kale.
Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa, waxaanu
ka sheekeeyey sababta layskugu yimid, iyo inay nabadgelyada dhawraan oo
si nabadgelyo ah ay u muujiyaan dareenkooga, isaga oo arimahaas ka
hadlayana, waxa uu yidhi “Qodobka koowaad ee aynu maanta halkan iskugu
nimid waa nabad galyada, horeba inaga ayaa ilaalin jirnay oo Kulmiye
ayaa ilaalin jiray, waxaan idinku guubaaniyaa inaad nabad galyada
ilaalisaan, oo habeen iyo maalinba aad u soo jeedaan, waxaa laynagu
cabsiinayaa in uu Kulmiye nabad galyada wax yeelayo, waxaanu idinku
bushaareenayaa inaynu nabad galyada inagu ilaalinayno horana u ilaalin
jirnay, inaga oo aan ahayn xukumadii loo igmaday hadana waxaanu idinku
dardaarmayaa inaad ilaalisaan nabadgalyada, qodobka kale aan idiin soo
raaciyaa waxaa weeyi duruufta siyaasadeed ee taalaa waxaa waxaa weeyi
aynu wada tashano iyo wada tashan mayno, wax alaale wax kaloo laysku
haystaa ma jirto, waar wakhtigii laguu doortay wuu dhamaaday maadama uu
dhamaaday sidii loogu guuri lahaa ha lagawada hadlo iyo diiday, xaqeena
siyaasigii waxaa weeyi in inagoo cidnabad amaamihinayn in aynaan cidnaba
uga tanaasulin wixii xaquuqdeena ah meelkasta oo ay inala gashana aynu
ka midho dhalino” ayuu ku soo xidhay Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee
Xisbiga kulmiye.
Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed ayaa isna hadalkiisii ku bilaabay “Inaynu
shucuurteena taageero ugu muujino Kulmiye waxaa ina siiyey dastuurkeena,
Dastuurkeena qodobka 38 wuxuu sheegayaa in uu muwaadinku xaq u leeyahay
in uu rayigiisa ku muujiyo, qoraal iyo mudahaad iyo waliba si walba inuu
ku muujiyo xaq abuu u leeyahay, xaqeenaa ka tanaasuli mayno, maanta inta
halkan iskugu timid xaqeenaa ku muujinaynaa si nabadgalyo ah, inkasta oo
aan ka xumahay in xukumadu ay guryaha garaacaysay oo ay lahaayeen
shirkaa yaan la tagin, shirkaa uu kulmiye leeyahay yaan la tagin, dagaal
ayaa ka dhici doona, dhibaataa ka dhici doontaa taasi wax jira maaha,
waynu beenaynaynaa, si nabadgalyo ah ayeynu ku qabsanaynaa shirkeenan,
nabadgelyada wadanka cid inaga jeceli ma jirto, waxaad ogtihiin in
basaskii loo hanjabay oo la yidhi waa laydinka jajabinayaa liisankaa
laydinka qaadayaa, waa laydin xidhxidhayaa, waxaasoo dhami iyo
hanjabaadaasi dastoorkeena ma waafaqsana, waxaa ka warqabtaan inay
dadbadan oo ka mid ahi yihiiin kuwii wadanka u soo halgamay, kuwii inoo
suura galiyey inaynu maanta halkaa iskugu nimaadno si nabadgelyo ah,
waxay inaga mudan yihiin sharaf weyn, walaal waxaad kale oo aad ogtihiin
Afrika dadkii usoo halgamay ama dagaal ku keenay xoriyadooda in aanay
xukunka si fiican uga tagin, hadaad soo qaadatid Masar dhawr iyo
labaatan sanadood ayuu Jamaal Cabdinaasir iyo ragiisii ay iyagu haysteen
xukunka, ilaa iyo ragii soo xoreeyey ay ka dhamaanayeen iyagaa haystay
oo Saadaat ugu dambeeyey, waxaad ka war haysaan wadamada jaarka ah kuwii
xornimada haystay ilaa maanta inay haystaan , waxaynu ka war haynaa
wadanka Simbaabwi Mr Mukaabi dhawr iyo labaatan sanadood ayuu xukunkii
ku dhagan yahay, SNM iyada oo eegaysa maslaxada wadanka, rabitaanka
shacabka waxay balan qaadeen in marka ay Laba sanadood xukunka hayaan
inay ka dagayaan oo ay dadweynaha ku wareejinayaan balankoodii way
oofiyeen, waxaa aynu ka warhaynaa xukumada maanta haysaa doorasho ayey
ku timid, doorasha iyo habkaa dimuqraadiyada ah ee aynu xukunka ugu
wareejinay aduunkoo dhami wuu inagu amaanay, Madaxweynaheenii hore
markuu dhintay alla ha u naxariistee si dastuuri ah ayaa loogu
wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka, doorashaa la qabtay wax yar oo 80 Cod
ah ayuu ku helay, Kulmiye wuu u haneeyey sidii ayuu ku qabtay, waxaa
aanu leenahay Madaxweynaha taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo oo si
nabad galyo ah ayuu ku yimid ee si nabadgalyo ah ha ku tago, doorasho
ayuu ku yimid, doorasho xor ah oo xalaal ah ha sameeyo oo ha ku tago,
haduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa, waxaa aynu
ognahay inay guurtidu ay dhawaan ay sanad u kordhiyeen, sanadkaasi uma
aragno inuu sanad xaqa uu yahay, waayo dastuur ayaa inoo yaala,
dastuurkeenu waxaa uu leeyahay, Madaxweynaha marka ay doorashadu ka
dhamaato waa inuu doorsho qabtaa hadayna dhicin arimo nabadgelyo awgeed
ah, aduunka waxaaynu ka iibina laba shay in wadankeenu uu nabad yahay
iyo inaynu dimuqraadi nahay, labaasiba waxaa beeniyey Guurti ayaa
beenisay, inaga oo nabad ah markay yidhaahdeen sanad baynu u kordhiynay”
ayuu ku soo afmeeriyey hadalkiisii.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Axmed X. Cali Cadami waxaanu yidhi “
gaawaadhidii aad soo raacdeen qaar baa lagaga dagay waa la ogyahay,
kacaanka dunido dhami wuu soo maraa waxaase lagag guulaystaa dulqaadka
ay dadku sameeyaan, shacabkoo dhabar adeeg yeeshaa mushkilad kasta oo la
soo gudboonaata wuu ka gudbi karaa, maantana waxaa laynooga baahan yahay
dhabar adeegii, waxaa kale oo aan sheegayaa ujeedada xaflada tan
bacdamaa oo aan hore loo sheegin, waa kulan kii ugu horeeyey oo shir
xisbiga madaxdiisa oo dhami iskugu timaado maanta kii u dambeyeyse maaha
wuu bilaabmay, waana la wadayaa wuuna sii soconayaa, waynu u baranaynaa
si aynu oga soo logeyn karno halka Hargeysa ugu dambeysa marka basaska
laynoo diido waa lugaynaynaa dadkii xoreyey wadama qaar iyaga lugaynaya
ayey qaar dhinteen nimcadii xoriyada may gaadhin, isticmaar adag oo aan
waliba keenan iska oraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, dabadeedna
inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayey u babac dhigeen, dabadeedna
qaarkoodna way soo gaadheen, kuwii soo gaadhi waayeyna caruurtiisii ayaa
soo gaadhay, nabad galyada wanaagsan waata aynu u taaganahay ee aynu ku
jirno, waa ta inaga laygunu riicayo, inaguna nabadgelyo darada dhinaca
kale ayeynu u riicaynaa, tallow maalin ma hadlaysaa nabadgalyadu oo ma
odhanaysaa qoladani shaqo kuma laha masaakiintuye qoladaa awooda leh oo
awooda ilaalahaybaa lehe sheeganaysa baa ka dambeysa nabadgelyo la’aanta,
markii qoladii komishanka ee wakhtigii ka dhacay isagaa ugu horeeyey oo
yidhi wakhtigiinii wuu dhamaaday kaftan kalena wuu ku daray, anagu
waxaanu leenahay saacadii way is garaacaysaa taarbaanu kusoo diraynaa
hawada kusoo marinayaa si macruuf ah ayaan kugu sheegayaa, taariikhdii
iyo abaalkii umadu gashay yaan looga dhigin diidmo la diido iyo hirdan
dhasha.”
Isaguna waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu yidhi “ sida wanaagsan ee sharafta
leh ee aad u muujiseen inaad diyaar tihiin inaad soo baxdaan oo aad
muujisaan quwadiina iyo awoodiina ee Xisbiga kulmiye taageerada u
haysaan, waxaan maanta idiin sheegayaa Kulmiye maaha xisbigii looga biqi
lahaa in uu nabadgalyada dalka burburiyo, miyuu yahay, miyuu yahay (
maya ayey ku jawaabeen dadweynihii fadhiyey), kulmiye waxaa taageera
shacabka Somaliland intiisa badan ayaa taageeraan, waa inta dalka u
damqada, waa inta dal u damqata waa inta mustaqbalka doonaysa, waa inta
aayaha ka doonaysa, xaasha ka la’ dadkii maanta looga biqi lahaa inay
nabadgalyada waxyeelaan ma nihin, waxaanse leenahay oo aanu muujinaynaa
inaynu dastuuriyan xaq u leenahay siday walaaladii iga horeeyey sheegeen,
oo xaq dastuuriya u yahay markastal, maanta, berito, iyo wiiga dambe iyo
goorta ay inala noqotaba aynu xaq dastuuriya u leenahay inaynu isku soo
baxno oo mudaharaad salmiya u soo baxno oo dareenkeena ku muujino ma
tahay mise maaha, waa inoo balan iyadoo nabadgelyada ilaalinayno, wada
jirka ilaanayno midnimada ilaalinayno, danta shacabkeena ilaalinayno,
xaqa dastuurkeena ina siiyey ilaalinayno oo aynaan shacabkeena
waxyeelayn kaan u damqayno, kaan u dagaalamayno xoriyadiisa daynayno
madaxbanaanidiisa doonayno waa dadkeena, xaq baanu u leenahay inaynu
imika iyo marka uu madaxweynaha muddadiisu ka dhamaataba balan bay inoo
tahay hadaan xaaladaas wax iska bedelin inaynu mudaharaad salmiya iskugu
soo baxno, waa inoo balan xuquudeena cidna uga tanaasuli mayno, maanta
waxaan doonayaa inaan ka hadlo laba shay, xaalada wadanku halka ay
marayso waynu wada ognahay, kuligeen waynu ka dharagsanahay, inaga oo
nabadgelyada guud haysana oo ta ilaahay ka sokow shacabka reer
Somaliland meelkasta oo uu joogo xilka uu ka saaran yahay, xilkaanna
qaatay markasta oo nabadgelyadu burburto cida burburinaysaana ay dawlada
iyo maamulka jira ay ahayd, cida ilaalinaysayna ay dadweynaha ahayd,
markii ay argagixisadu bilaaban tay dadka soo qabanayey ee nabadgelyada
ilaalinayey shacabkay ahayd, cida ku tumanaysay, dhalinyarada
tooganaysay, shacabka xidh xidhaysay, xuquuqdooda ku tumanaysaa waa ayo,
waa xukumada maanta jirta, waa maamulka Daahir Riyaale, taas miyeynu
yeelaynaa miyeynu aqbalanaynaa, miyaan ka yeelnaa waa maya, ( ayuu
iskugu jawaabay Gudoomiyuhu) waxaan idiin sheegayaa Daahir Riyaale
kaahin waxaa loo doortay Madaxweynaha dalka, waxay shantii sano ee
dastuurku siinayey iyadoo sidii la ogaa ku helay, ama ku qaatay dharaaro,
ee uu ku yimid waxay shantii sano kaga buuxdaa 15 May, maxaynu
nidhaahnaa walaalayaal, ma nidhaahnaa Salaama, waxaynu leenahay dastuur
iyo sharci baynu ku dhaqmaynaa, dastuurku waxaa uu cadaynaa sida kaliya
ee Madaxweynaha loogu kordhin karaa in la yidhaahdoo dalkii hoog iyo
balanbal ayaa ka socda, nabadgelyo daraa ka dhacday waa sida kaliya ee
loogu kordhin karo, sidii bay yeeleen, ma xaqbaa, ma garbaa, mayee maaha
( ayuu gudoomiyuhu iskugu jawaab celiyey), wax la yeeli karana maaha,
anaguna waxaanu leenahay nooga kac aanu ku fadhiisanee, xaasha kursiga
cidi kasta ee ku fadhisata ee ilaahay u calfa sida uu imikaba uu isagu
ugu fadhiyo, waxay ugu fadhiisanayaan qaab sharci ah, oo ummadu dooratay
oo cadaalada ayuu ku fadhiisan karaa, laakiin maxaanu leenahay wakhtigu
marka uu kaa dhan yahay adigu ma lihid ha iska sii rabaaqin meesha, sida
uu Dastuurku ina faraayo ha isa soo horfadhiisto Asxaabta iyo wixii
talada galayaa, ha lays waydiiyo, walaal maxaaynu yeelnaa, maxaynu
doorashada ku gaadhnaa, ha la yidhaahdo, Doorashooyinka Qaranka oo dib
ay Saddex, Afar jeex uga dhacay, waxaa masuuliyadeeda iska lahaa
Madaxweynaha iska lahaa, isagay ahayd inuu qabto, isagay ahayd inuu
dhaqaalaha bixiyo, maanta waynu ognahay shacab weynihii Somaliland,
aqoonyahankii dibad iyo guddo ha joogee, gudigii Komishanka
Doorashooyinka, dunidii inaga caawinaysay ee deeq bixiyeyaasha ahaa,
shacab weynaha intii wax garadka ahayd intii Ilaahay ka baqaysay waxay
isu wada raaceen wakhti in doorashada la qabto, yaa diiday, Daahir
Riyaale ayaa diiday cidduu doono isagu ha adeegsado, waxaanu leenahay
horeba samirbaanu dalka iyo dadkaba ku yeelanay, maantana waanu u
yeelanaynaa Samirka aanu dadka iyo dalkaba waanu u yeelanaynaa, sida
aanan nabad galyada ugu tumanayn, sida aanu wanaagiisa u jecel nahay,
sida aanu maalin walba u dhawrayno, maantana waxaanu leenahay in iyadoo
mar dib u dhacday, laba dib u dhacday, Saddex dib u dhacday oo ay
waajibkii ka soo bixi wayday dawlada iyo cidii hogaanka Qaranka ka
saarnaa, waxaanu leenahay marka ugu horeysa ee la qaban karo ee
Hay’addaha inaga caawinayaa iyo gudiga ku shuqul lihi ay gartaan
wakhtiga ay dhacayso diyaar baanu u nahay oo ka hor iman mayno, laakiin
waxaanu leenahay oo cid aan ku shaqo lahayni soo faragelin, oo cid aan
ciddi dooran oo shacabku dooran adiga shaabad kuug dhufan taasaan ayaanu
leenahay yey dhicin, waxaanu halkaa ka taaganahay wakhtiga cusub ee
laysla gartay in doorasho dhacdo diyaar baanu u nahay, ka hor iman mayno
wixi maslaxada dadka loo arko ee laga baydhi kari waayo, nabadgelyana in
lagu gaadho ayaanu doonaynaa laakiin waa in aan cid kale soo faragelin
oo ay ku koobnaato Sadexda Xisbi iyo Komishanka ay arintaasi ku
koobnaato, waxaan idiin sheegay oo qodobka ugu dambeeya ah, maalin walba
xisbiga Kulmiye oo ummada inteed badani taageersan tahay, maalin walba
xabsi, cadaadis iyo xadhig iyo dulmi, xafiiskeenaa waa lagu soo duulay,
ilaa shalayto ciidamada waa la qaybinayey, waxaa la lahaa yey soo gudbin,
yey iman, waanu u cadayna waanu u qornay inay nabad gelyo tahay.”
Gudoomiye Siillaanyo oo ka garnaqsanaya filal xun xun oo uu sheegay in
ay xukumada Riyaale kula kacday Xisbiga Kulmiye, walina ay ku wado,
waxaanu sheegay inaanu u dul qaadan doonin falal dambe oo noocan oo kale
ah, waxaanu yidhi “ dadka maanta xidhxidhan ee magaca xisbiga ku xidhan
waad ka warqabtaan, dadkii la toogtay waxaa ka mid ahaa, Madar Iidaan,
Bedel iidaan, indho yare geedi,, waxaa la ogaa toogashadii Hani Xasan,
waxaa la ogaa xil ka qaadistii Cabdi Xuseen Dheere Badhasaabkii Gobolka
Togdheer, waxaa la ogaa Xamarji oo xadhiga macmal ah loo sameeyey, oo la
yidhi waxa uu ka dambeeyey qarax aan jirin markii dambana wax cad loo
waayey iyadoo sharcina loo marin, waxaa ku jiray Oday Deyr Maxamed Cilmi,
waxaa ku jiray weerarkii Xisbiga lagu qaaday 2005kii, waxaa ka mid ahaa
xadhiga Abshi Xasan Xaashi oo maanta xidhan, waxaa ka mid ah dilkii
Farxaan (ardaygii mudaharaadka lagu dilay), dulmiga intaa leeg miyey
ummadani qaadan kartaa, kulmiye qaadan karaa, cidda talinaysaa waa cid
aan ogolayn in ay ummadu xoriyad ku noolaadaan, macnaha xoriyada aqoon,
macnaha dimuqraadiyada aqoon kusoo ababin garanayna waxay tahay, raga ku
dhaaranaya madaxweynaha intuu halkaas istaagay leh waa la Siqiiri doonaa,
iyo ragan hajabaya ee leh Xabsigii mandheera iyo madaafiicdii waanu
haysanaa, Madaafiicda waa lanagu garaaci jiray, xabsiga Mandheerana ka
biqi mayno, waa noo diyaar rag baa hore u galay, madaafiicbaad
sheegaysaaye horaa Daahir Riyaalow Diyaarado ula dhacday shacabka reer
Hargeysa, maanta ha nagu bajinin madaafiicda, waad saqiiri doontaana ha
nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahayn ma nihin” ayuu ku soo xidhay
Gudoomiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo.
| Wefti Ka
Socday Safaaradda Britain Ee Itoobiya Oo Madaxweyne Rayaale Kala
Hadlay Arrimaha Doorashooyinka |
Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Wefti ka socday Safaaradda ay Britain ku
leedahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo booqasho laba maalmood ah
dorraad ku yimid Somaliland ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay
Komishanka, Asxaabta qaranka, iyo wasaaraddaha Xukuumadda qaarkood,
Ururada bulshada rayidka ah iyo Madaxweyne Rayaale.
Weftigan oo ujeeddada socdaalkiisu ahaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen
muranka iyo khilaafaadka ka taagan doorashooyinka u qorshaysan inay
Somaliland ka qabsoomaan, isla markaana ugu qancin lahaayeen dhinacyada
khilaafku u dhexeeyo in heshiis laga gaadho khilaafka cakiran, iyadoo ay
dawlada Britain ka mid tahay dalalka reer Yurub ee dhaqaalaha ugu badan
ugu deeqay qabashada doorashooyinka.
Waftigan oo ka koobnaa ku-xigeenka Safiirka Britain ee Itoobiya John
Marshall iyo ku-xigeenka labaad ee Xoghayaha Safaaradda ingiriiska
Collin Leman, ayaa shalay waxay kulan kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada
Madaxweyne Rayaale, kulankaas oo ay weftiga ingiriisku kagala hadleen
Madaxweynaha arrinta khilaafka doorashooyinka iyo mawqifka Xukuumadda,
waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu sheegay
in Mr Rayaale u sheegay weftiga inay xukuumadiisa ka go’antahay inay
dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.
Waxaana uu warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan:
“Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta [shalay]
Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku
leedahay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen ku xigeenka Safiirka Dawlada Ingiriiska
u fadhiya dalka Itoobiya Mr John Marshall iyo ku xigeenka labaad ee
Xoghayaha Safaarada Ingiriiska Colin Leeman, waxa ay booqasho gaaban ku
yimaadeen Dalka Somaliland, iyada oo ujeedada booqashadooduna la
xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland
iyo Dawlada Ingiriiska.
Mr Marshall waxa uu Madaxweynaha u sheegay in isaga iyo wefdigiisu ay
aad ugu diirsadeen soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen Xukuumada
Somaliland, Asxaabta Qaranka, Hay’adaha Dawliga ah iyo shacbi weynaha
Somalilandba.
Mr Marshall waxa kale oo uu tibaaxay in dawlada Ingiriisku ay diyaar u
tahay in ay sii ambo qaado wada shaqaynta iyo wax wada qabsiga ka
dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska, isla markaana dawlada
Ingiriisku ay aad ugu amaanayso Somaliland waxyaabihii ay qabsatay oo ay
ka mid yihiin doorashooyinkii dalka u qabsoomay, kuwaasi oo u dhacay si
nabad gelyo ah oo xalaal ah oo astaan iyo ku dayasho u noqon karta dalal
badan oo Afrika ah.
Mr Marshall oo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu tibaaxay in ay
dawladiisu dhiiri gelinayso taageero buuxdana ay siinayso geedi socodka
dimuqraadiyada ee Somaliland , gaar ahaana doorashooyinka dalka ku soo
food leh in ay dalka ka qabsoomaan, una dhacaan si xor ah oo xalaal ah.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna hadal kooban u
jeediyay wefdiga waxa uu ka waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee u
dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska .
Madaxweynuhu waxa uu wefdiga u sheegay in dawladiisu ay diyaar u tahay
in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah iyo xalaala, iyada oo mar
walba la tix gelinayo lana dhawrayo dastuurka iyo qawaaniinta xeerka u
yaala Somaliland.
Mudane Rayaale waxa kale oo uu soo qaaday hayaankii dheeraa ee shacbiga
Somaliland ay u soo galeen dhismaha qaranimadooda iyo hir gelinta
hanaanka dimuqraadiyada, sidaa awgeedna Madaxweynuhu waxa uu si xoog leh
u cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay dalka ka qabsoomaan
doorashooyin xor ah oo xalaal ah, iyada oo mar walba la dhawrayo in lagu
dhaqmo dastuurka iyo qodobada ku qeexan qawaaniinta iyo shuruucda dalka.
Kulankaasi wefdiga Safaraada Ingiriisku la yeesheen Madaxweynaha waxa
kale oo goob joog ka ahaa Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid
Maxamed Nuur , Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Addis ababa
Maxamed Xasan Nuur.”
| Madaxweyne
Rayaale Oo Guddi 10 Xubnood Ah U Magacaabay Qaban Qaabada Xuska
18-ka May |
Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Daahir
Rayaale Kaahin ayaa shalay guddi ka kooban 10 xubnood u magacaabay qaban
qaabada xuska sanad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay maalintii ay
Somaliland la soo noqotay Qaranimadeeda oo ku beegan 18 ka.
Sidaana waxaa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka
Madaxtooyada, isagoo Madaxweyne Rayaale dhinaca kalena badhasaabada
gobolada iyo maayarada degmooyinnka faray inay iska xilsaaraan xuska iyo
dabaal dega maalintan.
Inkastoo xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay muddadii shanta sanadood ahayd
ee loo doortay xilka talada dalka ay kaga egtahay 15 ka May, ayaa
haddana sida ka muuqata war-saxaafadeedkan xukuumadda Rayaale ku sii
adkaysanaysaa go’aankii Guurtidu ay xilkii ugu kordhiyeen muddo sannad
ah, iyadoo ay asxaabta mucaaradka ku baaqeen in aanay xukuumadda
Madaxweyne Riyaale aqoonsanayn wixii ka dambeeya 15ka May, balse laga
wadahadlo sidii loo heli lahaa dawlad dalka Doorashooyin gaadhsiisa.
Sidaa darteed ma cadda ujeedada rasmiga ah ee Rayaale ka leeyahay
guddidan uu u magacaabay xuska 18ka May oo ku soo beegmaysa xilli
sharciyadii xukuumadiisu dhamaatay.
Warsaxaafadeedka Afhayeenka ee ku saabsan magacaabista guddida qaban
qaabada xuska 18ka May, ayaa u qornaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta [shalay]
Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta
Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May.
Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran
yihiin:
1. Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’, Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada
3. Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta
4. Eng Xuseen Maxamed Jiciir , Maayarka Magaalada Hargeysa
5. Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga
6. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo
Dhaqanka
7. Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada
8. Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland
9. Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland
10. Cali Xasan Maxamed (Cali Asad) Badhasaabka gobolka Hargeysa
Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo
ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan
uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka
mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada
Somaliland.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo
Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si
aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May.” Top
|