Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1723 May 8, 2008

Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’

Bannaanbaxa Kulmiye Ee Shalay Ma Yahay Tallaabadii U Horeysay Ee Uu Ku Bilaabayey Iska Caabinta Xukuumadda Rayaale?
Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf Ee Boorama

Isku-Day La Doonayey In Lagu Eryo Maayar Ku-Xigeenka Degmada Saylac Oo Socon Waayey Iyo Tuhunka Ciddii Ka Dambaysay

Senator Obama Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Ee Xisbiga Dimoqraadiga

Boqolaal Ka Mid Ah Taageerayaasha Kulmiye Ah Oo Isu-Soo-Bax Ballaadhan Ku Qabtay Xarunta Xisbiga Ee Hargeysa  

Wefti Ka Socday Safaaradda Britain Ee Itoobiya Oo Madaxweyne Rayaale Kala Hadlay Arrimaha Doorashooyinka  

Madaxweyne Rayaale Oo Guddi 10 Xubnood Ah U Magacaabay Qaban Qaabada Xuska 18-ka May 

 

 

 

 

 

 

 


Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’

Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Cabdi-Casiis Aadan Habane oo ahaa wadaha gaadhigii lagu dhex toogtay Alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac magaalada Hargeysa markay taariikhdu ahayd 26/4/2008 ayaa Salaasadii dorraad la saaray Maxkamad milateri, iyada oo ilaa hadda aanay bileysku soo qaban gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Falkan naxdinta leh ee ay ku qudh-baxday gabadh labaatan jir ah oon waxba galabsan, waxa uu ka dhacay waddo ku dhaw Beerta Xorriyadda ee Hargeysa goor ay saacaddu ahayd 11:20 habeenimo, iyadoo ay marxuumaddu xilligaa ka timid xaflad aroos ah kuna socotay gurigoodii markii uu si lama filaan ah askari ka tirsan ciidanka Qaranku xabad rasaas ah ku soo ridday gaadhi uu waday Cabdi-Casiis Aadan oo ay Hani saarnayd.
Xabadda rasaasta ah ee lagu ridday gaadhiga ayaa intay soo jiidhay daaqadda dhinaca bidix ee shidhkii gaadhiga dabadeed ku dhacday Hani. Hase yeeshee taliyaha Bileyska Somaliland Saqadhi Dubad ayaa iyada oo aan baadhitaanba lagu sameynin falkii dhacay ku eedeeyay darawalkii gaadhiga inuu xoog ku soo jiidhay ciidamo waddada ilaalinayay.

Haddaba inkastoo aanu Cabdi-Casiis ka tirsaneyn ciidamada oo uu yahay nin shicib ah, haddana waxa maalintii dorraad la horgeeyay Maxkamad milateri oo fadhi ku yeelatay dabaqa sare ee saldhigga dhexe ee Bileyska Hargeysa.

Nin Xeer-ilaaliye ka ah Maxkamaddaa ayaa waxa uu Cabdi-Casiis u sheegay inuu yahay eedaysanaha koowaad ee dilkii Hani Xasan, waxaanu ku eedeeyay inuu jiidhay 3 hurimood oo ciidan ah oo jidka ku jiray. Hase yeeshee Cabdi-Casiis waxa uu eedahaasi kaga jawaabay in aanu ogeyn xero ciidan oo ku dhex taala magaalada, isla markaana aanu maqal wax bandoo ah oo lagu soo rogay magaalada, ciidan uu jiidhayna aanu jirin.
Cabdi-Casiis waxa kale oo uu Maxkamadda u sheegay in uu yahay dhibanihii la toogtay ee isagu Bileyska u ashkatooday.

Cabdi-Casiis ayaa hore u sheegay in aanu wax ciidamo ah ku arag waddada balse ay niman aanu arkeyn isaga oo caadi u wata gaadhiga ay dhinac ka soo toogteen isla markaana uu aaminsan yahay in falkani ahaa shirqool abaabulan oo lagu dilayey.
Taliska Ciidamada Qaranka ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin arrintan, laakiin waxa jira askari aad loo hadal hayo oo la isku raacsan yahay inuu yahay gacan-ku-dhiiglihii isagu toogtay Hani Xasan.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa isagu ku adkeysanayey in askariga la tuhunsan yahay inuu dilka geystay iyo baadhitaanka kiiskaba loo daayo milateriga taas oo ka horimanaysa sharciga, Somaliland-na ka dhigaysa dal lagu maamulo xukun milateri oo sooc ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, Nuux Taani waxa uu meel fagaare ah ka sheegay in qof ciidan ah oo waajibkiisa gudanayay aan loo xidhi karayn qof shicib ah.

Ilo xog-ogaal ah oo kala duwan ayaa Haatuf u sheegay in sababta dhabta ah ee uu Nuux Taani uga warwareegayey inuu askariga farta lagu fiiqayo horkeeno sharciga ay la xidhiidho askariga oo ka soo jeeda beesha Madaxweynaha.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani ayaa xidhay nin sarkaal ciidan ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Siciid Bullaale kadib markii lagu eedeeyay in uu ku taliyay in askarigii la tuhunsanaa inuu geystay dilkii Hani Xasan la horkeeno cadaaladda.

Sarkaalkan oo ka mid ah hoggaanada ciidanka, isla markaana laftarkiisu ka soo jeeda beesha Riyaale, ayaa waxa kale oo lagu soo eedeeyay inuu warar siiyey wargeyska Haatuf. Hase yeeshee Tifaftiraha wargeyska ayaa beeniyay inay arrintaasi jirto, waxaanu yidhi: “Ma jiro haba yaraatee wax xidhiidh ah oo dhexmaray Cabdi-Risaaq Bullaale iyo Haatuf ama warar uu askarigaasi siiyey wargeyskan”.

Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa culays ku saaray Cabdi-Casiis Aadan Habane inuu dib uga noqdo fasiraadii uu ka bixiyey falka ee uu ku sheegay inuu ahaa shirqool isaga lagu dilayey.

Masuuliyiintani waxay Cabdi-Casiis kula gorgortamayaan in haddii uu ka tanaasulo eedda ah in la shirqoolayey xabsiga laga sii deyn doono.

Dhinaca kale qoyskii iyo reerkii ay ka dhalatay marxuumadda la dilay iyo hooyadeedii dhashayba waxay qoraallo ay hay’adaha sharciga u gudbiyeen ku caddeeyeen in aanay wax dambi ah u haysan Cabdi-Casiis Aadan Habane.

 


  Bannaanbaxa Kulmiye Ee Shalay Ma Yahay Tallaabadii U Horeysay Ee Uu Ku Bilaabayey Iska Caabinta Xukuumadda Rayaale?
Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf Ee Boorama

Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Kulmiye ayaa shalay qabanqaabiyey, isla markaana meelmariyey bannaanbax silmi ah oo uu ku fulinayey ballanqaadkiisii ahaa inaan hadda kadib xisbigaasi gacmaha ka laaban doonin gardarrooyinka iyo dibindaabyada xukuumadda Rayaale la daba-joogtay tan iyo intii uu xilka dalkan madaxweyne-nimada Rayaale ku qabsaday doorashooyin muran iyo shaki badan lahaa.

Tallaabadan, uu xisbigaasi ku horkacay boqollaal qof oo ka taageera magaalada Hargeysa, ayaa dhinaca kale loo qaadan karaa inay ka dambaysay ballanqaad shalay ay masuuliyiinta xisbigaasi ku ballanqaadeen inay hadda wixii ka dambeeya u dulqaadan doonin dibindaabyada iyo weerarada qaawan ee askarta xukuumadda Rayaale ku hayso xisbigaasi, taas oo uu hoggaamiyaha xisbigaasi, Axmed Siillaanyo ku caddeeyey in hadda wixii ka dambeeya uu samirkii ka dhammaaday, taageerayaashiisa iyo masuuliyiinta xisbigaasi ee xidhxidhanna uu xorriyaddooda raadin doono, taasina ay dhalisay bannaanbaxyadan sida nabadgelyada ah uga dhacay magaalada Hargeysa.

Haddaba markaad eegto hadalada isdaba-joogga ahaa ee beryahanba ka soo baxayay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Kulmiye, ayaa loo haystay uun inay ahayd hadallo madhan oo uu taageerayaashiisa cabsidu ka badatay ka yeelayn, wax kastoo uu u sheego.

Tallaabadan shalay waxa kale oo ay ka tarjumaysaa in taageerayaasha xisbigaasi haatan ay dhaafeen, ama ka gudbeen been abuur xukuumadda ka soo yeedhi jiray oo ahayd Kulmiyaa nabadda duminaya, iyadoo la ogyahay in cidda kaarayaasha iyo qoryaha waaweyn haystaa ay tahay dawladda, taas oo dhawaan dad shicib ah ku laysay Hargeysa mar ay qaar ka mid ah dadweynaha magaaladaasi samaynayeen cabshooyin.
Arrinta kale ee shalay la yimaaddeen mudaharaadyadaasi shalay, ayaa ah mid Xisbigaasi ku muujinayey inaanu hadda wixii ka dambeeya taageerayaashiisa cidlo kaga tegi doonin, isla markaana aanu hadda kaddib aqbali doonin ergo been ah, sasabe iyo khiyaamo Rayaale soo faro culimaa’uddiin, salaadiin, siyaasiyiin, akademiyada nabadda, guddiga wanaag-farista iyo cid kastoo u soo baxda Rayaale mar kasta oo dulmiga iyo caddaalad darradu cidhiidhi geliso maamulkiisa, qaybahaas ka midka ah dadweynaha oo xisbigaasi ka duudsiyey guushii uu helay doorashooyinkii madaxweyne-nimada Rayaale kusriga keentay, sida dad badani aaminsan yihiin.

Sida la ogyahay xisbigaasi hoggaankiisa iyo masuuliyiinta oo tan iyo markii xukunka Rayaale qabsaday lagu hayey wax aan xisbiyada kale lagu haynin, iyo takoorid ciddii sheegata loo arko cadow, ayaa dhinaca kale waxa shirweynihiisii ku soo biiray ama masuuliyiinta sare loo magacaabay ama lagu daray qaar ka tirsan saraakiishiisii ugu sarraysay hoggaankii SNM, kuwaas oo Rayaale isku dayey inuu dhawr jeer xabsiyada dhigo balse ku guuleysan waayey, sidaas darteed ayaa dad badan oo halkan joogaa u qaateen in ragga uu ka mid yahay Muuse Biixi, ay xisbigaasi durba u dhaqaajiyeen dhinaca iska caabbinta xukuumadda Rayaale, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in Rayaale u arko cadow u baahan in la ugaadhsado, sidaas darteedna aanay haysan meel kale oo ay ku gabban karaan.

Sidoo kale waxay arrinta isbeddelka hoggaanka xisbigani bannaanka soo dhigtay inay muujiyaan xeeladihii ay ku burburiyeen xukunkii keli-taliska ahaa ee Afweyne, haddii kale dagaalyahannimadii ay sheegan jireen ay ahayd uun faan aanay waxba uga hooseyn, Siyaad Barrena illaahay uuni jebiyey.

Si kastab ha ahaatee waxa soo dhawaatay saacaddii Rayaale xukunkiisu ku ekaa ee 15 May, iyadoo dhinaca kalena uu Rayaale dabbaal-degga 15-ka May uu u magacaabay guddi, haddaba xaggay iska dhaafsan yihiin labada arrimood?

Rayaale oo khudbaddiisii uu dhawaan baarlamaanka ka hor akhriyey ugu hanjabay axsaabta Mucaaradka, iyo cadhadii hoggaanka xisbigaasi ka qaaday hadaladaasi yaraysiga ahaa, ayaa la ogaan doonaa wixii ka dambeeya 15-ka May.

Inkastoo guddoomiyihii xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, aad mooddo inuu dib uga sii guranayo, ama uu dib uga sii guranayo baaqii ay wada-jirka u gaadheen isaga iyo hogaanka KULMIYE, bannaanbaxanina uu Kulmiye ku gooni ahaa, waxay dad badani saadaalinayaan in aakhirataanka siyaasadda dalkani saldhigan doonto oo keli ah haddii Dawladda Rayaale iyo ciidankiisa shacbigu tusaan inaanay shaqaynayn kaarayaal iyo ciidammo koofiyad cas ahi, haddii uu xaalka dhaafo halka maanta uu marayo, laguna soo dabbaali waayo wada hadal aan ahayn mid mucaaradka tanaasul lagaga doonayo, iyadoo aanay weli dhicin in Daahir Rayaale la soo mariyo wax aan ahayn ta uu doonayo, weligiina aanu tanaasulin.

 


  Isku-Day La Doonayey In Lagu Eryo Maayar Ku-Xigeenka Degmada Saylac Oo Socon Waayey Iyo Tuhunka Ciddii Ka Dambaysay

"Waxaas oo kale igama suurtoobaan, aqoonna uma lihi..” ku-xigeenka Maayarka Saylac

Boorama, May 8, 2008 (Haatuf) – Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya cidda ka dambaysay qoraal ku saabsan cidda qaban doonta maamulka gobolka cusub ee Selel ee dhawaan Rayaale magacaabay, magacaabistaas oo durba tuhun iyo dareen badan ka dhex oogtay beelihii hore u wada degi jiray Gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, qoraal ku soo baxay shabakadda wararka ee Lughayanews, laguna falanqeeyey maamulka iman doona ee gobolkaasi, ayaa waxa jawaab kulul ka bixiyey guddoomiye ku-xigeenka degmada Saylac, Cismaan Muumin Caarre, kaddib markii sida la sheegayo qoraalkaasi lagu qoray magaciisa, inkastoo tifaftirka shabakaddaasi ku qoraa maqaalkaasi.

Cismaan Muumin, Maayar ku-xigeenka degmada Saylac oo arrintaa weriyaha Haatuf kala hadlay isagoo Saylac jooga ayaa yidhi: “Waa nasiib darro in waxyaalahaasi oo kale, oo aanan shaqo ku lahayn lagu shaabadeeyo magacayga, isla markaana la doonayo in qoraalkaasi loo been abuuro si loo xumeeyo magacayga iyo masuuliyadda aan u hayo Golaha, dawladda iyo shacbiga aan masuulka u ahayna la iskaga kaayo horkeeno. Anigu sidaydaba waa la igaga fiican yahay qoraalada iyo hadalada keeni kara in lagu kala fogaado, oo lagu waxyeeleeyo midnimada shacbiga degaankan iyo gobolkan cusub ee Selel weligoodba degi jiray. Waxaan maamulka sare ee xukuumadda Somaliland, hay'adaha garsoorka, iyo cid kasta oo ka shaqaysa arrimaha dawladnimada ka codsanayaa inay daba gasho ciddii falkaasi ka dambaysay isla markaana magacayga ka been abuurtay. Waxaan doonayaa in caddaaladda la horkeeno, si aanay mar dambe arimahaas oo kale uga dhicin degmadan haatan magaalo-madaxda u ah gobolka Selsel. Anigoo dadka masuul u wada ah, ayaanan ku hadli karin af beeleed iyo mid shakhsi toona, balse haddii aan hadlana ku hadli karaa magaca dawladnimada, waxaan tuhunsanahay inay arrimahaasi ka dambeeyaan xubno ka tirsan dadweynaha reer Saylac ama ha ahaadeen shaqaalaha eh, ciddii ay ku caddaatana maxkamad la horkeeni doono."

Faaladan lagu baahiyey shabakadda Lughaya, ee maayar ku-xigeenku ka cawday, ayaa warar aan la xaqiijin sheegeyaan inuu jiro tuhun arrintaasi ku saabsan oo lagu xidhiidhinayo xafiiska Maayarka Degmada Saylac iyo xubno ka tirsan isla golahaasi, kuwaas oo sida la sheegayo ka soo jeeda beesha Ciise laguna tuhunsan yahay inay ka been abuureen guddoomiye ku-xigeenka, Cismaan Muumin, oo isagu ka soo jeeda Beelaha Samarroon, gaar ahaanna Beesha Maxamed Case.

Inkastoo maayarka Magaaladaasi, Maxamed Cumar Xadi iyo ku-xigeenkiisu, ay ahaayeen laba masuul oo muddo dheer saaxiib ahaa, ayaa tan iyo markii Rayaale magacaabay Gobolka cusub ee Selel waxa soo galay tuhun lagu xidhiidhinayo inay dabada ka riixayaan qaar ka mid ah xildhibaano ku dhawdhaw Maayarka, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dawladood ee Somaliland, kana soo jeeda beesha Ciise, kuwaas oo sida la sheegayo doonaya inay ku dhaleeceeyaan maayar-xigeenka oo ay uga shakisan yihiin in maamulka gobolka gacanta loo geliyo, maayar ku-xigeenkaasi oo ka soo jeeda beelaha samarroon ee degaankaasi ugu awoodda badan, isuguna dhaw yihiin beesha Ciise, marka loo eego beelaha kale ee samarroonka, waxayna u egtahay arrintani haddii la caddeeyo, bilowga dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid degaan oo u bilowday shacbigii wada deggenaa gobolka, ee haatan la kala qaybiyey.


 


   Senator Obama Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Ee Xisbiga Dimoqraadiga

Indianapolis, May 8, 2008 (W. Wararka) - Senator Barack Obama oo ah Musharaxa Madaw ee uu tartanku ka dhexeeyo haweenayda Hillary Clinton ayaa la saadaalinayaa inuu noqdo Musharaxa ku guulaysan doona doorashooyinka kama dambaysta ah ee Xisbiga Dimoqraadiga dhexdiisa kadib markii uu Salaasadii si weyn ugaga guuleystey Hillary Clinton doorashadii ka dhacday Gobolka North Caroline,halka Clinton ay waxyar kaga badisay Obama Gobolka Indiana.

Doorashadii Gobolka North Carolina ee salaasadii ayaa waxa labada Musharax ay ku tatamayeen kuraas dhan 115 taas oo Senator Obama uu helay codad dhan 56 boqolkiiba halka Senator Clinton ay ka heshay 42 boqolkiiba.

Dhinaca kale Gobolka Indiana ayay Hillary Clinton faro ciddi leh kaga adkaatey Obama kadib markii ay 72 ergey oo lagu tartamayey ay hal dhibic kaliya kaga horeysay .
Senator Obama ayaa rajadiisu sii korodhay kadib markii uu dhowaan la kulmay guuldarooyin kaga dhacay labada Gobol ee Ohio,Pennysallvania kuwaas oo ay Hillary ku guulaysatey waxaana ay wararku sheegeen in Barack Obama oo codad aad u badan ka horeeya Hillary Clinton uu teegeero badan ka helo Todoba Gobol oo yaryar oo aaney weli ku tartamin.

Murashaxa Madowga ah ee Obama ayaa kadib guushii habeen hore uu ka gaadhey Gobolka North Caroline isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa waxa uu yidhi “ Caawa waxaa inooga dhiman oo kaliya Murashaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee Doorashada Maraykanka wax ka yar laba boqol oo cod kaliya “
Senator Obama ayaa hadda waxa uu haystaa codadka erooyinka 1836 ergey halka ay Hillary Clinton ay ka haysato 1681,waxaanu qofku ku guulaysanayaa codad dhan 2025 ergey,sida ay sheegeen dadka sida aadka ah ula socda arimaha doorashada Xisbiga Dimoqraadiga ee Dalka Maraykanka ayaa tibaaxay in haddii toddobada Gobol ee hadhay ay ku guulaysato Hillery Clinton aaney gaadhi karayn tirada uu ka horeeyo Obama,waxaaney tibaaxuhu intaas ku dareen inaaney labadan Musharax midkoodna aanu gaadhin tirada laga doonayo sidaas darteed waxaa labadooda kala saaraya Xubnaha Dimoqraadiga ee loo yaqaan Super Delegates oo iyagu u codayndoona,waxaaney u muuqdaan xubnahaasi Super Delegates ku ay u codayn doonaan Obama maadaama oo uu ka cod badan yahay Clinton, waxaana wararka hadda soo baxayaa ay sheegayan in lix xubnood oo ka mid ah kuwa ugu miisaanka culus odayaasha Dimoqraadiyiintu ay sii sheegeen inay codkooda siinayaan Obama .
Si kastaba haw dhacdee waxa ay dadka reer Maraykan ee taageera Xisbiga Dimoqraadiga qaar badani usoo jeedinayaan Hillary Clinton inay iskaga hadho tartanka hase yeeshee ilaa hadda may garowsan inay ka hadho,waxaaney sheegtay inay sii wadi doonto ilaa dhamaadka, waxaaney arimuhu hadda u badan yihiin inuu Obama sii kordhin doono dardartiisii isla markaana ku guuleysto inuu noqdo ninka ay Xisbiga Dimoqraadigu u doortaan inuu uga qayb galo doorashada Maraykanka ee dhacaysa bisha November ee sanadkan aynu ku jirno.

Senator Barack Obama oo ah nin dhalinyaro ah oo Madow ayaa waxaa taageeraya dadka Madawga iyo Caddaanka dhalinyarada ah ee lagu tilmaamo isbedel doonka iyo dadka aqoon yahanka ee Jaamacadaha.
 

Top


 Boqolaal Ka Mid Ah Taageerayaasha Kulmiye Ah Oo Isu-Soo-Bax Ballaadhan Ku Qabtay Xarunta Xisbiga Ee Hargeysa  

“Daahir Riyaalow Horaad Diyaarado ula dhacday shacabka reer Hargeysa, maantana kuwaad ku bajin lahayd Madaafiicda Iyo Mandheera ma nihin” Siillaanyo

Hargeysa, May 08, 2008 (Haatuf) – Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa shalay isu soo bax balaadhan ku qabtey Xarunta Xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Isu soo baxan oo ka dhan ahaa Xukumada Riyaale ayey Xukumaddu xoog ku saartay sidii aanu u qabsoomi lahayn isu soo baxaasi, hase yeeshee kumay guulaysan inay is hortaagto, waxaana maalintii shalay ciidanka Bileyska ee caasimadda la geliyay heegan sare, iyadoo taliskii bileyska oo uu horkacayo Saqadhi Dubad ay isku xeereen fagaaraha xarunta xisbiga KULMIYE, iyagoo taagnaa surin walba oo gala fagaarahaas, hase yeeshee taageerayaasha KULMIYE ayaan dheg-jalaq u siin handidaada bileyska. Sidoo kale, Bileyska ayaa heegan ka galay is-goyska Total ee Biriijka Hargeysa koonfurta kaga toosan iyagoo bileysku ka cabsi qabay in taageerayaasha xisbiga UCID ay iyaguna banaan-bax ka bilaabaan halkaas, hase yeeshee taasi may ahayn wax jira ee waxay ahayd uun baqaha Xukuumaddu ay ka qabto mawjado dad ah oo taageeraya mawqifka mucaaridka.

Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee ka hadlay isu-soo-baxan ayaa si weyn ugu weeraray siyaasadda madaxweyne Riyaale taas oo ay sheegeen in uu ku guul daraystay inuu dalka doorashooyin ka hirgaliyo.

Waxaa kale oo ay si weyn cambaareeyeen muddo kordhinta ay dhowaan guurtidu ugu kordhisay hal sano madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay xaaraan islamarkaana aanay aqbali doonin, sidoo kale waxay masuuliyiintii kulanka ka hadlay ay sheegeen in ay mudaharaadyada noocan oo kale ah ee sidan nabadgelyada leh ay shacabku ugu soo bandhigayaan dareenkooda ay waajib tahay, isla markaana uu Dastuurku u balan qaaday in uu dadku ay waxay rabaan usoo bandhigaan si nabadgelyo ah.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Basaskii dadku soo raacayeen loo diiday, isla markaana ay dawladu awood xoog leh ku saartay si aanu kulankani u dhacin.

Waxaa halkaa ka hadlay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid ahaa,Gudoomiyah Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed, Gudoomiyah Gobolka Hargeysa Axmed Cumar Cabdilaahi ( Xamarji) iyo Masuuliyiin kale.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa, waxaanu ka sheekeeyey sababta layskugu yimid, iyo inay nabadgelyada dhawraan oo si nabadgelyo ah ay u muujiyaan dareenkooga, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Qodobka koowaad ee aynu maanta halkan iskugu nimid waa nabad galyada, horeba inaga ayaa ilaalin jirnay oo Kulmiye ayaa ilaalin jiray, waxaan idinku guubaaniyaa inaad nabad galyada ilaalisaan, oo habeen iyo maalinba aad u soo jeedaan, waxaa laynagu cabsiinayaa in uu Kulmiye nabad galyada wax yeelayo, waxaanu idinku bushaareenayaa inaynu nabad galyada inagu ilaalinayno horana u ilaalin jirnay, inaga oo aan ahayn xukumadii loo igmaday hadana waxaanu idinku dardaarmayaa inaad ilaalisaan nabadgalyada, qodobka kale aan idiin soo raaciyaa waxaa weeyi duruufta siyaasadeed ee taalaa waxaa waxaa weeyi aynu wada tashano iyo wada tashan mayno, wax alaale wax kaloo laysku haystaa ma jirto, waar wakhtigii laguu doortay wuu dhamaaday maadama uu dhamaaday sidii loogu guuri lahaa ha lagawada hadlo iyo diiday, xaqeena siyaasigii waxaa weeyi in inagoo cidnabad amaamihinayn in aynaan cidnaba uga tanaasulin wixii xaquuqdeena ah meelkasta oo ay inala gashana aynu ka midho dhalino” ayuu ku soo xidhay Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee Xisbiga kulmiye.

Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed ayaa isna hadalkiisii ku bilaabay “Inaynu shucuurteena taageero ugu muujino Kulmiye waxaa ina siiyey dastuurkeena, Dastuurkeena qodobka 38 wuxuu sheegayaa in uu muwaadinku xaq u leeyahay in uu rayigiisa ku muujiyo, qoraal iyo mudahaad iyo waliba si walba inuu ku muujiyo xaq abuu u leeyahay, xaqeenaa ka tanaasuli mayno, maanta inta halkan iskugu timid xaqeenaa ku muujinaynaa si nabadgalyo ah, inkasta oo aan ka xumahay in xukumadu ay guryaha garaacaysay oo ay lahaayeen shirkaa yaan la tagin, shirkaa uu kulmiye leeyahay yaan la tagin, dagaal ayaa ka dhici doona, dhibaataa ka dhici doontaa taasi wax jira maaha, waynu beenaynaynaa, si nabadgalyo ah ayeynu ku qabsanaynaa shirkeenan, nabadgelyada wadanka cid inaga jeceli ma jirto, waxaad ogtihiin in basaskii loo hanjabay oo la yidhi waa laydinka jajabinayaa liisankaa laydinka qaadayaa, waa laydin xidhxidhayaa, waxaasoo dhami iyo hanjabaadaasi dastoorkeena ma waafaqsana, waxaa ka warqabtaan inay dadbadan oo ka mid ahi yihiiin kuwii wadanka u soo halgamay, kuwii inoo suura galiyey inaynu maanta halkaa iskugu nimaadno si nabadgelyo ah, waxay inaga mudan yihiin sharaf weyn, walaal waxaad kale oo aad ogtihiin Afrika dadkii usoo halgamay ama dagaal ku keenay xoriyadooda in aanay xukunka si fiican uga tagin, hadaad soo qaadatid Masar dhawr iyo labaatan sanadood ayuu Jamaal Cabdinaasir iyo ragiisii ay iyagu haysteen xukunka, ilaa iyo ragii soo xoreeyey ay ka dhamaanayeen iyagaa haystay oo Saadaat ugu dambeeyey, waxaad ka war haysaan wadamada jaarka ah kuwii xornimada haystay ilaa maanta inay haystaan , waxaynu ka war haynaa wadanka Simbaabwi Mr Mukaabi dhawr iyo labaatan sanadood ayuu xukunkii ku dhagan yahay, SNM iyada oo eegaysa maslaxada wadanka, rabitaanka shacabka waxay balan qaadeen in marka ay Laba sanadood xukunka hayaan inay ka dagayaan oo ay dadweynaha ku wareejinayaan balankoodii way oofiyeen, waxaa aynu ka warhaynaa xukumada maanta haysaa doorasho ayey ku timid, doorasha iyo habkaa dimuqraadiyada ah ee aynu xukunka ugu wareejinay aduunkoo dhami wuu inagu amaanay, Madaxweynaheenii hore markuu dhintay alla ha u naxariistee si dastuuri ah ayaa loogu wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka, doorashaa la qabtay wax yar oo 80 Cod ah ayuu ku helay, Kulmiye wuu u haneeyey sidii ayuu ku qabtay, waxaa aanu leenahay Madaxweynaha taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo oo si nabad galyo ah ayuu ku yimid ee si nabadgalyo ah ha ku tago, doorasho ayuu ku yimid, doorasho xor ah oo xalaal ah ha sameeyo oo ha ku tago, haduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa, waxaa aynu ognahay inay guurtidu ay dhawaan ay sanad u kordhiyeen, sanadkaasi uma aragno inuu sanad xaqa uu yahay, waayo dastuur ayaa inoo yaala, dastuurkeenu waxaa uu leeyahay, Madaxweynaha marka ay doorashadu ka dhamaato waa inuu doorsho qabtaa hadayna dhicin arimo nabadgelyo awgeed ah, aduunka waxaaynu ka iibina laba shay in wadankeenu uu nabad yahay iyo inaynu dimuqraadi nahay, labaasiba waxaa beeniyey Guurti ayaa beenisay, inaga oo nabad ah markay yidhaahdeen sanad baynu u kordhiynay” ayuu ku soo afmeeriyey hadalkiisii.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Axmed X. Cali Cadami waxaanu yidhi “ gaawaadhidii aad soo raacdeen qaar baa lagaga dagay waa la ogyahay, kacaanka dunido dhami wuu soo maraa waxaase lagag guulaystaa dulqaadka ay dadku sameeyaan, shacabkoo dhabar adeeg yeeshaa mushkilad kasta oo la soo gudboonaata wuu ka gudbi karaa, maantana waxaa laynooga baahan yahay dhabar adeegii, waxaa kale oo aan sheegayaa ujeedada xaflada tan bacdamaa oo aan hore loo sheegin, waa kulan kii ugu horeeyey oo shir xisbiga madaxdiisa oo dhami iskugu timaado maanta kii u dambeyeyse maaha wuu bilaabmay, waana la wadayaa wuuna sii soconayaa, waynu u baranaynaa si aynu oga soo logeyn karno halka Hargeysa ugu dambeysa marka basaska laynoo diido waa lugaynaynaa dadkii xoreyey wadama qaar iyaga lugaynaya ayey qaar dhinteen nimcadii xoriyada may gaadhin, isticmaar adag oo aan waliba keenan iska oraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, dabadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayey u babac dhigeen, dabadeedna qaarkoodna way soo gaadheen, kuwii soo gaadhi waayeyna caruurtiisii ayaa soo gaadhay, nabad galyada wanaagsan waata aynu u taaganahay ee aynu ku jirno, waa ta inaga laygunu riicayo, inaguna nabadgelyo darada dhinaca kale ayeynu u riicaynaa, tallow maalin ma hadlaysaa nabadgalyadu oo ma odhanaysaa qoladani shaqo kuma laha masaakiintuye qoladaa awooda leh oo awooda ilaalahaybaa lehe sheeganaysa baa ka dambeysa nabadgelyo la’aanta, markii qoladii komishanka ee wakhtigii ka dhacay isagaa ugu horeeyey oo yidhi wakhtigiinii wuu dhamaaday kaftan kalena wuu ku daray, anagu waxaanu leenahay saacadii way is garaacaysaa taarbaanu kusoo diraynaa hawada kusoo marinayaa si macruuf ah ayaan kugu sheegayaa, taariikhdii iyo abaalkii umadu gashay yaan looga dhigin diidmo la diido iyo hirdan dhasha.”

Isaguna waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu yidhi “ sida wanaagsan ee sharafta leh ee aad u muujiseen inaad diyaar tihiin inaad soo baxdaan oo aad muujisaan quwadiina iyo awoodiina ee Xisbiga kulmiye taageerada u haysaan, waxaan maanta idiin sheegayaa Kulmiye maaha xisbigii looga biqi lahaa in uu nabadgalyada dalka burburiyo, miyuu yahay, miyuu yahay ( maya ayey ku jawaabeen dadweynihii fadhiyey), kulmiye waxaa taageera shacabka Somaliland intiisa badan ayaa taageeraan, waa inta dalka u damqada, waa inta dal u damqata waa inta mustaqbalka doonaysa, waa inta aayaha ka doonaysa, xaasha ka la’ dadkii maanta looga biqi lahaa inay nabadgalyada waxyeelaan ma nihin, waxaanse leenahay oo aanu muujinaynaa inaynu dastuuriyan xaq u leenahay siday walaaladii iga horeeyey sheegeen, oo xaq dastuuriya u yahay markastal, maanta, berito, iyo wiiga dambe iyo goorta ay inala noqotaba aynu xaq dastuuriya u leenahay inaynu isku soo baxno oo mudaharaad salmiya u soo baxno oo dareenkeena ku muujino ma tahay mise maaha, waa inoo balan iyadoo nabadgelyada ilaalinayno, wada jirka ilaanayno midnimada ilaalinayno, danta shacabkeena ilaalinayno, xaqa dastuurkeena ina siiyey ilaalinayno oo aynaan shacabkeena waxyeelayn kaan u damqayno, kaan u dagaalamayno xoriyadiisa daynayno madaxbanaanidiisa doonayno waa dadkeena, xaq baanu u leenahay inaynu imika iyo marka uu madaxweynaha muddadiisu ka dhamaataba balan bay inoo tahay hadaan xaaladaas wax iska bedelin inaynu mudaharaad salmiya iskugu soo baxno, waa inoo balan xuquudeena cidna uga tanaasuli mayno, maanta waxaan doonayaa inaan ka hadlo laba shay, xaalada wadanku halka ay marayso waynu wada ognahay, kuligeen waynu ka dharagsanahay, inaga oo nabadgelyada guud haysana oo ta ilaahay ka sokow shacabka reer Somaliland meelkasta oo uu joogo xilka uu ka saaran yahay, xilkaanna qaatay markasta oo nabadgelyadu burburto cida burburinaysaana ay dawlada iyo maamulka jira ay ahayd, cida ilaalinaysayna ay dadweynaha ahayd, markii ay argagixisadu bilaaban tay dadka soo qabanayey ee nabadgelyada ilaalinayey shacabkay ahayd, cida ku tumanaysay, dhalinyarada tooganaysay, shacabka xidh xidhaysay, xuquuqdooda ku tumanaysaa waa ayo, waa xukumada maanta jirta, waa maamulka Daahir Riyaale, taas miyeynu yeelaynaa miyeynu aqbalanaynaa, miyaan ka yeelnaa waa maya, ( ayuu iskugu jawaabay Gudoomiyuhu) waxaan idiin sheegayaa Daahir Riyaale kaahin waxaa loo doortay Madaxweynaha dalka, waxay shantii sano ee dastuurku siinayey iyadoo sidii la ogaa ku helay, ama ku qaatay dharaaro, ee uu ku yimid waxay shantii sano kaga buuxdaa 15 May, maxaynu nidhaahnaa walaalayaal, ma nidhaahnaa Salaama, waxaynu leenahay dastuur iyo sharci baynu ku dhaqmaynaa, dastuurku waxaa uu cadaynaa sida kaliya ee Madaxweynaha loogu kordhin karaa in la yidhaahdoo dalkii hoog iyo balanbal ayaa ka socda, nabadgelyo daraa ka dhacday waa sida kaliya ee loogu kordhin karo, sidii bay yeeleen, ma xaqbaa, ma garbaa, mayee maaha ( ayuu gudoomiyuhu iskugu jawaab celiyey), wax la yeeli karana maaha, anaguna waxaanu leenahay nooga kac aanu ku fadhiisanee, xaasha kursiga cidi kasta ee ku fadhisata ee ilaahay u calfa sida uu imikaba uu isagu ugu fadhiyo, waxay ugu fadhiisanayaan qaab sharci ah, oo ummadu dooratay oo cadaalada ayuu ku fadhiisan karaa, laakiin maxaanu leenahay wakhtigu marka uu kaa dhan yahay adigu ma lihid ha iska sii rabaaqin meesha, sida uu Dastuurku ina faraayo ha isa soo horfadhiisto Asxaabta iyo wixii talada galayaa, ha lays waydiiyo, walaal maxaaynu yeelnaa, maxaynu doorashada ku gaadhnaa, ha la yidhaahdo, Doorashooyinka Qaranka oo dib ay Saddex, Afar jeex uga dhacay, waxaa masuuliyadeeda iska lahaa Madaxweynaha iska lahaa, isagay ahayd inuu qabto, isagay ahayd inuu dhaqaalaha bixiyo, maanta waynu ognahay shacab weynihii Somaliland, aqoonyahankii dibad iyo guddo ha joogee, gudigii Komishanka Doorashooyinka, dunidii inaga caawinaysay ee deeq bixiyeyaasha ahaa, shacab weynaha intii wax garadka ahayd intii Ilaahay ka baqaysay waxay isu wada raaceen wakhti in doorashada la qabto, yaa diiday, Daahir Riyaale ayaa diiday cidduu doono isagu ha adeegsado, waxaanu leenahay horeba samirbaanu dalka iyo dadkaba ku yeelanay, maantana waanu u yeelanaynaa Samirka aanu dadka iyo dalkaba waanu u yeelanaynaa, sida aanan nabad galyada ugu tumanayn, sida aanu wanaagiisa u jecel nahay, sida aanu maalin walba u dhawrayno, maantana waxaanu leenahay in iyadoo mar dib u dhacday, laba dib u dhacday, Saddex dib u dhacday oo ay waajibkii ka soo bixi wayday dawlada iyo cidii hogaanka Qaranka ka saarnaa, waxaanu leenahay marka ugu horeysa ee la qaban karo ee Hay’addaha inaga caawinayaa iyo gudiga ku shuqul lihi ay gartaan wakhtiga ay dhacayso diyaar baanu u nahay oo ka hor iman mayno, laakiin waxaanu leenahay oo cid aan ku shaqo lahayni soo faragelin, oo cid aan ciddi dooran oo shacabku dooran adiga shaabad kuug dhufan taasaan ayaanu leenahay yey dhicin, waxaanu halkaa ka taaganahay wakhtiga cusub ee laysla gartay in doorasho dhacdo diyaar baanu u nahay, ka hor iman mayno wixi maslaxada dadka loo arko ee laga baydhi kari waayo, nabadgelyana in lagu gaadho ayaanu doonaynaa laakiin waa in aan cid kale soo faragelin oo ay ku koobnaato Sadexda Xisbi iyo Komishanka ay arintaasi ku koobnaato, waxaan idiin sheegay oo qodobka ugu dambeeya ah, maalin walba xisbiga Kulmiye oo ummada inteed badani taageersan tahay, maalin walba xabsi, cadaadis iyo xadhig iyo dulmi, xafiiskeenaa waa lagu soo duulay, ilaa shalayto ciidamada waa la qaybinayey, waxaa la lahaa yey soo gudbin, yey iman, waanu u cadayna waanu u qornay inay nabad gelyo tahay.”

Gudoomiye Siillaanyo oo ka garnaqsanaya filal xun xun oo uu sheegay in ay xukumada Riyaale kula kacday Xisbiga Kulmiye, walina ay ku wado, waxaanu sheegay inaanu u dul qaadan doonin falal dambe oo noocan oo kale ah, waxaanu yidhi “ dadka maanta xidhxidhan ee magaca xisbiga ku xidhan waad ka warqabtaan, dadkii la toogtay waxaa ka mid ahaa, Madar Iidaan, Bedel iidaan, indho yare geedi,, waxaa la ogaa toogashadii Hani Xasan, waxaa la ogaa xil ka qaadistii Cabdi Xuseen Dheere Badhasaabkii Gobolka Togdheer, waxaa la ogaa Xamarji oo xadhiga macmal ah loo sameeyey, oo la yidhi waxa uu ka dambeeyey qarax aan jirin markii dambana wax cad loo waayey iyadoo sharcina loo marin, waxaa ku jiray Oday Deyr Maxamed Cilmi, waxaa ku jiray weerarkii Xisbiga lagu qaaday 2005kii, waxaa ka mid ahaa xadhiga Abshi Xasan Xaashi oo maanta xidhan, waxaa ka mid ah dilkii Farxaan (ardaygii mudaharaadka lagu dilay), dulmiga intaa leeg miyey ummadani qaadan kartaa, kulmiye qaadan karaa, cidda talinaysaa waa cid aan ogolayn in ay ummadu xoriyad ku noolaadaan, macnaha xoriyada aqoon, macnaha dimuqraadiyada aqoon kusoo ababin garanayna waxay tahay, raga ku dhaaranaya madaxweynaha intuu halkaas istaagay leh waa la Siqiiri doonaa, iyo ragan hajabaya ee leh Xabsigii mandheera iyo madaafiicdii waanu haysanaa, Madaafiicda waa lanagu garaaci jiray, xabsiga Mandheerana ka biqi mayno, waa noo diyaar rag baa hore u galay, madaafiicbaad sheegaysaaye horaa Daahir Riyaalow Diyaarado ula dhacday shacabka reer Hargeysa, maanta ha nagu bajinin madaafiicda, waad saqiiri doontaana ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahayn ma nihin” ayuu ku soo xidhay Gudoomiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo.

 


 Wefti Ka Socday Safaaradda Britain Ee Itoobiya Oo Madaxweyne Rayaale Kala Hadlay Arrimaha Doorashooyinka  

Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Wefti ka socday Safaaradda ay Britain ku leedahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo booqasho laba maalmood ah dorraad ku yimid Somaliland ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Komishanka, Asxaabta qaranka, iyo wasaaraddaha Xukuumadda qaarkood, Ururada bulshada rayidka ah iyo Madaxweyne Rayaale.

Weftigan oo ujeeddada socdaalkiisu ahaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen muranka iyo khilaafaadka ka taagan doorashooyinka u qorshaysan inay Somaliland ka qabsoomaan, isla markaana ugu qancin lahaayeen dhinacyada khilaafku u dhexeeyo in heshiis laga gaadho khilaafka cakiran, iyadoo ay dawlada Britain ka mid tahay dalalka reer Yurub ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay qabashada doorashooyinka.

Waftigan oo ka koobnaa ku-xigeenka Safiirka Britain ee Itoobiya John Marshall iyo ku-xigeenka labaad ee Xoghayaha Safaaradda ingiriiska Collin Leman, ayaa shalay waxay kulan kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada Madaxweyne Rayaale, kulankaas oo ay weftiga ingiriisku kagala hadleen Madaxweynaha arrinta khilaafka doorashooyinka iyo mawqifka Xukuumadda, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in Mr Rayaale u sheegay weftiga inay xukuumadiisa ka go’antahay inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Waxaana uu warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan:
“Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta [shalay] Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku leedahay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen ku xigeenka Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr John Marshall iyo ku xigeenka labaad ee Xoghayaha Safaarada Ingiriiska Colin Leeman, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Dalka Somaliland, iyada oo ujeedada booqashadooduna la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska.
Mr Marshall waxa uu Madaxweynaha u sheegay in isaga iyo wefdigiisu ay aad ugu diirsadeen soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen Xukuumada Somaliland, Asxaabta Qaranka, Hay’adaha Dawliga ah iyo shacbi weynaha Somalilandba.
Mr Marshall waxa kale oo uu tibaaxay in dawlada Ingiriisku ay diyaar u tahay in ay sii ambo qaado wada shaqaynta iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska, isla markaana dawlada Ingiriisku ay aad ugu amaanayso Somaliland waxyaabihii ay qabsatay oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii dalka u qabsoomay, kuwaasi oo u dhacay si nabad gelyo ah oo xalaal ah oo astaan iyo ku dayasho u noqon karta dalal badan oo Afrika ah.
Mr Marshall oo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu tibaaxay in ay dawladiisu dhiiri gelinayso taageero buuxdana ay siinayso geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland , gaar ahaana doorashooyinka dalka ku soo food leh in ay dalka ka qabsoomaan, una dhacaan si xor ah oo xalaal ah.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna hadal kooban u jeediyay wefdiga waxa uu ka waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska .
Madaxweynuhu waxa uu wefdiga u sheegay in dawladiisu ay diyaar u tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah iyo xalaala, iyada oo mar walba la tix gelinayo lana dhawrayo dastuurka iyo qawaaniinta xeerka u yaala Somaliland.

Mudane Rayaale waxa kale oo uu soo qaaday hayaankii dheeraa ee shacbiga Somaliland ay u soo galeen dhismaha qaranimadooda iyo hir gelinta hanaanka dimuqraadiyada, sidaa awgeedna Madaxweynuhu waxa uu si xoog leh u cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, iyada oo mar walba la dhawrayo in lagu dhaqmo dastuurka iyo qodobada ku qeexan qawaaniinta iyo shuruucda dalka.

Kulankaasi wefdiga Safaraada Ingiriisku la yeesheen Madaxweynaha waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur , Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Addis ababa Maxamed Xasan Nuur.”

 


  Madaxweyne Rayaale Oo Guddi 10 Xubnood Ah U Magacaabay Qaban Qaabada Xuska 18-ka May 

Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay guddi ka kooban 10 xubnood u magacaabay qaban qaabada xuska sanad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland la soo noqotay Qaranimadeeda oo ku beegan 18 ka.

Sidaana waxaa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, isagoo Madaxweyne Rayaale dhinaca kalena badhasaabada gobolada iyo maayarada degmooyinnka faray inay iska xilsaaraan xuska iyo dabaal dega maalintan.

Inkastoo xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay muddadii shanta sanadood ahayd ee loo doortay xilka talada dalka ay kaga egtahay 15 ka May, ayaa haddana sida ka muuqata war-saxaafadeedkan xukuumadda Rayaale ku sii adkaysanaysaa go’aankii Guurtidu ay xilkii ugu kordhiyeen muddo sannad ah, iyadoo ay asxaabta mucaaradka ku baaqeen in aanay xukuumadda Madaxweyne Riyaale aqoonsanayn wixii ka dambeeya 15ka May, balse laga wadahadlo sidii loo heli lahaa dawlad dalka Doorashooyin gaadhsiisa.

Sidaa darteed ma cadda ujeedada rasmiga ah ee Rayaale ka leeyahay guddidan uu u magacaabay xuska 18ka May oo ku soo beegmaysa xilli sharciyadii xukuumadiisu dhamaatay.

Warsaxaafadeedka Afhayeenka ee ku saabsan magacaabista guddida qaban qaabada xuska 18ka May, ayaa u qornaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta [shalay] Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May.
Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:
1. Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’, Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada
3. Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta
4. Eng Xuseen Maxamed Jiciir , Maayarka Magaalada Hargeysa
5. Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga
6. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo Dhaqanka
7. Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada
8. Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland
9. Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland
10. Cali Xasan Maxamed (Cali Asad) Badhasaabka gobolka Hargeysa

Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada Somaliland.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May.”

Top