|
Madaxweyne Waxaad 5 Sano Ku Qaban Wayday Sanad Kuma
Qaban Kartid! Madaxweyne
Riyaale Oo Dhirbaaxo Kululi Kaga Timid Dawlidihii Taageeri Jiray Somaliland
Waxay dib ula noqdeen $16 Milyan oo ay ku caawin lahaayeen Diiwaan-gelinta
Iyo Doorashooyinka Somaliland
Deeq-bixiyeyaashu Waxay Ka Dhako
Faareen Sababta Riyaale U Diidayey In Xeerkii Diiwaangelinta Dib-U-Eegis
Lagu Sameeyo
“15-Ka May Marka La Gaadho Rayaale
Wuxuu Noqonayaa Madaxweyne Muddadiisii Sharciga Ahayd Dhamaatay”
Muj. Cali Guray
Xisbiga KULMIYE Oo Ka Cudur-daartay
Kulan Uu Akaadamiga Nabaddu Isku Horfadhiisinayay Axmed Siillaanyo Iyo
Daahir Riyaale
Ajandaha Kalfadhigan Wakiilada Oo Lagu
Soo Daray Natiijada Dhexdhexaadintii Gudoomiye Ciro Iyo Mawqifka Golaha Ee
Khilaafaadka Cakiran
Booqashada Wefdiga Gobolada Sool
Iyo Sanaag Bari Ee Boorama Iyo Dareenada La Xidhiidha Socdaalkooda
Ciidanka Baadhista Dembiyada Ee
Boorama Oo Mar Kale Isdeldelaad Ka Badbaadiyey Wiil Dhallinyaro Ah
Shirgudoonka Golaha Guurtidda Oo
Fadhigii Shalay Uga Muquurtay Cabsi La Xidhiidha Mooshin Gondahooda Jiifa
Riyaale: Hogaamiye Lagu Hungoobay
|
|
| Madaxweyne Waxaad 5 Sano Ku
Qaban Wayday Sanad Kuma Qaban Kartid! |
Waxay ahayd 5 sano ka hor markii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,
shacabka Somaliland sida sharafta leh ugu doortay talada wadanka, oo
waliba looga doortay mujaahidkii, mujaahidiinta Axmed Maxamed Siillaanyo,
isaga oo ku hambalyeeyay markii la yidhi 80 cod ayaa lagaaga helay.
Shacabka reer Somaliland waxay ka filayeen Madaxweynaha inuu horumar u
keeno, doorashooyinkana halkaas ka sii wado, waxaase dhacday inuu
horumar uu keeno iska daaye inuu wadankii maanta taago meeshii ugu
liidatay taariikhda Somaliland.
Doorashooyinkii uu ku faani jiray waan qabtayna uu maanta diyaar u yahay
inuu dib u cuno, sida bisadda la yidhaahdo caruurteeda kuwa ugu horeeya
ee ay dhasho ayay dib u cuntaa.
Daahir Riyaale isagoo ah madaxweynihii wadanka ayaad moodaa haddana inuu
la dagaalamayo wadanka iyo dadkiisa iyo xukunkiisa uu isagu gacanta ku
hayo.
Madaxweynaha waxaad moodaa in aanu aaminsanayn xukunka inuu gacanta ku
hayo isagu, waxaadna moodaa inuu isu haysto inuu hurdo gurigiisa boorama,
xukunkan uu hayaana ay tahay riyo uu ku riyoonayo, wuxuuna isleeyahay
riyadan macaan yayna kaa dhamaanine hurdada isku sii dhaji.
Waxaanuse Madaxweynaha leenahay, Madaxweyne waxani riyo maahee waa run,
shantaadii sano ee lagu doortayna way dhamaatay.
Waxaad shantaas sano ku qaban waydayna Madaxweyne sanad kuma qaban kartid,
ee ummadda sheekadan kun habeenka iyo habeenka ah kadaa Madaxweyne.
Sulaymaan Yuusuf Dhakhtar
baynani@hotmail.com
Madaxweyne
Riyaale Oo Dhirbaaxo Kululi Kaga Timid Dawlidihii Taageeri Jiray
Somaliland
Waxay dib ula noqdeen $16 Milyan oo ay ku caawin lahaayeen
Diiwaan-gelinta Iyo Doorashooyinka Somaliland |
Nairobi, May 11, 2008 (Haatuf) Dawladaha Deeqda bixiya ee UK, USA, Sweden,
Denmark, Norway iyo Komishanka Yurub ayaa dib ula noqday deeq ay ugu
talo-galeen hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka
Somaliland, taas oo lagu qiyaasay lacag gaadhay $16 Milyan.
Qoraal ay shalay u soo gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka,
Saddexda xisbi qaran iyo labada gudoomiye ee labada aqal ee baarlamaanka,
waxay ku sheegeen deeq-bixiyeyaashu inay ka xun yihiin tallaabada ay
qaadeen balse ay ahayd mid ay ka fursan weyday kadib markii uu dib-u-dhac
soo noqnoqonayay ku yimid geedi-socodkii lagu gaadhi lahaa
doorashooyinka, isla markaana burbur ku yimid heshiiskii saddexda xisbi
qaran iyo Komishanka doorashooyinka ee lagu cayimay wakhtigii ay
qabsoomi lahaayeen doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo Madaxweynaha.
Dawladahan Somaliland taageeri jiray deeqda ay la noqdeen waxa kale oo
ay cuskadeen sababo ay ka mid yihiin burburka ku yimid Komishankii
doorashooyinka ee qaranka iyo khilaafka siyaasadeed ee weli taagan kaas
oo ay ku tilmaameen mid aan u saamaxayn in mustaqbalka ay gacan ka
geysataan hawlihii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Tallaabadan ay deeq-bixiyeyaashu qaadeen ayaa waxay dhirbaaxo kulul ku
noqonaysaa Madaxweyne Daahir Riyaale oo waxqabadka keliya ee ay dadka u
sheegi jireen ahaa xidhiidho ayaanu adduunka la samaynay oo ictiraafkii
baanu soo wadnaa. Hase yeeshee asbaabaha ay deeq-bixiyeyaashu u
cuskadeen deeqdan ay joojiyeen waxa loo nisbayn karaa inay ka yimaadeen
macangegnimada iyo talo-xumada uu Madaxweyne Riyaale ku dhaqmayay isaga
oo inuu kursiga sii haysto ay mar walba kala weynayd inuu u
hogaansanaado maslaxada guud ee qaranka iyadoo uu carqalado isdaba-jooga
kolba hordhigayay geedi-socodkii lagu gaadhi lahaa labada doorasho ee
goleyaasha deegaanka iyo Madaxweynaha, kuwaas oo uu qorshahoodii kala
tuuray kadib markii uu Golaha Guurtida ee muddadiisu dhammaatay ka
dalbaday in muddo-kordhin sannad ah loo sameeyo.
Sida la ogsoon yahay go’aanka muddo-kordhinta ah ee golaha Guurtidu
gaadhay 10/4/2008 waxa uu meeshii ka saaray heshiiskii ay 9/4/2008
saddexda xisbi qaran iyo Komishanku wada gaadheen, kaas oo qeexayay in
labada doorasho ay kala qabsoomaan 7/10/2008 iyo 31/12/2008.
Tallaabada muddo-kordhinta ayaa filan-waa ku noqotay xisbiyada
mucaaridka ah iyo dadka intooda badan iyada oo loo arkayay qarda-jeex uu
Riyaale kaga baxay jidkii Dimuqraadiyadda ee Somaliland ay haysay,
waxaanay dalka ka dhex abuurtay qalalaase siyaasadeed iyo kala-fogaansho
aan Illaahay badin.
Madaxweyne Riyaale iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed
Ducaale ayaa labadoodaba waxa ka soo yeedhay bishii hore hadalo ay ku
dhaleecaynayaan dawladaha taageera Somaliland, kuwaas oo ay ku eedeeyeen
inay fidmo dhex dhigayaan dalka oo ay Somaliland ka maarmi karto
caawimooyinkooda.
Haddaba deeq-bixiyeyaasha ayaa u muuqda qaar ka rajo-beelay inuu Riyaale
ka noqdo siyaasadiisan uu ku minjo-xaabinayo dimuqraadiyeynta Somaliland
iyo horumarkeeda.
Inkastoo ay joojiyeen kharashkii ay ugu talo-galeen diiwaan-gelinta
codbixiyeyaasha haddana waxay sheegeen inaanay albaabka ka xidhin inay
labada doorasho gacan siiyaan haddii la dhammaystiro tirada xubnaha iyo
isu-dheelitirnaanta Komishanka qaranka iyo heshiis siyaasadeed oo loo
dhan yahay oo laga gaadho doorashooyinka la qabanayo.
Hase yeeshee Madaxweyne Daahir Riyaale oo ay afar cisho uga hadhay
muddadii uu xilku kaga eekaa ayaan ilaa hadda u muuqan nin danaynaya
inuu dalka ka saaro qalalaasahan siyaasadeed ee uu geliyay, amase ku
xisaabtamaya xidhiidhka u dhexeeyay Somaliland iyo deeq-bixiyeyaasha ee
xumaaday saameynta uu ku yeelan doono qadiyadii dalka ee
ictiraaf-helistu kow ka tahay.
|
Deeq-bixiyeyaashu Waxay Ka Dhako Faareen Sababta Riyaale U Diidayey
In Xeerkii Diiwaangelinta Dib-U-Eegis Lagu Sameeyo |
Haatuf Staff Reporter
Qoddobada ay deeq-bixiyeyaashu u cuskadeen inay la noqdaan lacagtii ay
ugu talo-galeen in lagu kharash-gareeyo hawlaha diiwaan-gelinta
codbixiyeyaasha ka sakow, waxa iyaguna jiray arrimo kale oo ku sii
tukhaantukhiyay inay tallaabadan aanay jeclaysan qaadaan. Arrimahaas oo
aanay ku xusin qoraalka ay shalay u soo direen Komishanka Doorashooyinka
Qaranka iyo Madaxda saddexda xisbi qaran waxa ka mid ah balan xumada
Madaxweynaha iyadoo marar badan ay kala kulmeen wacad-fur uu kaga baxayo
wixii la isku ogaa.
Arrinta labaad ee ku sii dhalisay inay dib ula noqdaan lacagtii ay ugu
talo-galeen Diiwaan-gelinta ayaa ahayd aflagaadooyinkii luqadda
diblomaasiyadda ka baxsanaa ee uu ku weeraray dad iyo dawladaha u soo
hagar-baxay inay Somaliland wax la qabtaan. Waxa kale oo la odhan karaa
in deeq-bixiyeyaashu ay ogaan ugu soo beegeen go’aankooda inta aan
muddada xilku ka dhamaan Madaxweyne Riyaale, taas oo ku beegan Khamiista.
Haddaba arrinta ka wareerisay deeq-bixiyeyaasha ee u qaadan-waaga ku
noqotay waxay ahayd oo ay ku saabsanayd qodobo ka tirsan xeerka
diiwaangelinta oo ay isla garteen xubnaha Komishanka Doorashooyinku inay
yihiin qaar carqalado ku keeni kara hawlaha diiwaangelinta, sidaas
darteedna loo baahan yahay in qodobadaasi wax laga bedelo inta aanay
hawshu bilaabmin. Laakiin uu Madaxweynuhu is-hortaagay in qodobadaasi
wax laga bedelo, isaga oo xubnaha Komishanka ku canaantay soo
jeedintoodii isla markaana ugu hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono
haddii aanay xeerka sidii uu ahaa u fulin.
Qodobadaa waxa ka mid ahaa qaar aan caqli gal ahayn sida qodob odhanaya
habeenkii dhammaan foomamka iyo agabka diiwaangelinta sida computer-ada
iyo qalabka kale ee xafiiska waxa lagu soo xareynayaa xarunta degmada
diiwaangelintu ka dhacayso.
Tusaale ahaan haddii ay diiwaangelintu ka socoto Cadaadley ama Faraweyne
waxa agabka habeen kasta lagu soo xareynayaa Hargeysa.
Deeq-bixiyeyaashu intii hore oo dhan waxay la yaabsanaayeen sababta uu
Madaxweyne Riyaale isu hortaagayo in isbedel lagu sameeyo qodobada
caynkaas ah ee uu u diidaya in hawsha la fududeeyo. Laakiin
deeq-bixiyeyaashu waxya iska ahaayeen daacad oo kama warhaynin in
Riyaale ku talo jiro in uu muddo-kordhin ka dalbado Guurtida isaga oo
adeegsanaya qodobka 12aad ee xeerka diiwaangelinta kaas oo odhanaya
“Komishanku waa in uu dhaqan-geliyaa diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha
ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada”.
Maadaama sida keliya ee Madaxweynaha muddada loogu kordhin karaa ay
marwalba ahayd iyada oo dalka ay ka dhacdo nabadgelyo-xumo weyn oo ay
dabeeto suurtoobi waydo in doorashadii Madaxweynaha la qabto, taas oo
ahayd xaalad in muddo ahba aan ka jirin dalka Somaliland haddana
yeelkeed’e Xoghayaha Guurtida Cabdillaahi Dheere iyo Riyaale waxay la
noqotay inay qodobka 12aad ee xeerka diiwaangelinta ay ku xoojiyaan
qodobka distooriga ah ee muddo-kordhinta ka hadlaya (Lr83), waxaanay
qodobka 12aad ee xeerka diiwaangelinta u dhigeen in uu leeyahay labadii
doorashaba waxa u dhaxeynaysa muddo lix bilood ah. Sidaas darteed
Madaxweyne Riyaale waxa uu diidayey in laga taa-taabto xeerka
diiwaangelinta.
Waxa kale oo laga yaabaa inay jireen arrimo kale oo la ajligood uu
Riyaale uga cararayey in dib-u-eegis lagu sameeyo xeerka diiwaangelinta.
“15-Ka
May Marka La Gaadho Rayaale Wuxuu Noqonayaa Madaxweyne Muddadiisii
Sharciga Ahayd Dhamaatay”
Muj. Cali Guray |
Hargeysa May 11, 208 (Haatuf) – Mujahid Cali Maxamed
Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ahaa mujaahidiintii ururkii SNM magac
weyne ku lahaa, sla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii ururka
mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa aragtidiisa ka waramay xaalada siyaasadeed
ee dalka somaliland maanta marayo iyo dub udhaca ku yimid arimaha
Doorashooyinka iyo dhamaadka waqtiga Madaxweynaha, muranka ka dhashay
muddo kordhintii iyo cabsida laga qabo waxa dhici kara marka la gaadho
15ka.
Cali Guray waxa uu arrimaha kaga hadlay shir jaraa’d oo uu shalay ku
qabtay Hotel Impeiral ee magaalada Hargeysa, ugu horayna waxa uu
hadalkiisa ku bilabay:
“ Xaalada siyaasada reer Somaliland sida ay maanta tahay shaki kuma jiro
in la odhan karo waa mid cakiran, waxa jira warwar wayn oo dadwaynuhu ka
qabaan xaaladaasi sida ay ku yeelan karto nabadgalyada. Waana arrinta
aan goc’day inaan wax ka idhaahdo ee igu kaliftay shirkan jaraa’id,
anigoo ah Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), oo muwaadin Somaliland ah oo
u dhuun daloola siyaasada dalka, xisbi ahaana Kulmiye ah.
Waxa xaaladan kalifay aynu ognahay, waxa weeye mudda dhaafka
doorashooyinkii deegaamada iyo madaxtooyada. Hase ahaatee, Somaliland
sideedaba waa nin tuur leh, nin tuur lihina siduu u seexdo isagaa cidd
walba ka yaqaana. Dhibaatooyinka xaaladan oo kale ah maaha markii ugu
horeysay taariikhda Somaliland ay na soo marto duruufo ka ad-adag oo
siyaasadeed iyo nabad galyo ayaynu soo marnay, waxaynu mar walba kaga
dabaalan jirnay waddo caan inoo ah oo ah xal nabadeed. Sidaa daraadeed,
ma qabo in duruufta Somaliland ay inaga sal guurinayso waddadii aynu ku
soo caana maalnay ee xalka nabada.
Waxay dad badani is waydiinayaan shan iyo tobanka May markay dhamaato,
maxay xaaladu noqon doontaa. Anigu waxaan qabaa ma jirto cidd Suurtii
yomal qiyaamaha afuufaysaa bisha May 15-keeda. Daahir Riyaalle-na cidd
intay qori ula tagto odhanaysa ka soo bax madaxtooyada ma jirto. Wuxuu
noqonayaa madaxweyne muddadiisii sharciga ahayd ay dhamaatay kursigana
ku fadhiya, waana dhibaatada ay tahay maaraynteeda mid inoo taala.
Mudda dhaafka doorashooyinka iskaga waramimayno sababo badan oo kala
duwan baa keenay, masuuliyada marka laysku soo ururiyo waxaynu odhan
karnaa xill gudasho la’aan ayaa u sabab ah in doorashooyinka
wakhtigoodii ku qabsami waayaan. Hase ahaatee, wuu jiraa xal waanu ii
muuqdaa, waana lagu jiraa waxaanan anigu qabaa bi’idnilaah in lagu
guulaysanayo, waxaanan qabaa inaynu ku heshiino in doorashooyinkaa la
qabto arrin murugsan sii murginteeda xal waxa u noqda maaraynteeda.
Imika dhexdhexaadinimo way socdaan arrimaha mar walba dib u dhaca keena
waxa ka mid ah arrin nagu cusbayd oo la yidhi nagu dara, markaa diiwaan
galinta waxa soo baxday in deeq bixiyeyaashii fangaraynayay inay u
arkeen carqalada nagu soo kordhiyeen waayo waayo aragnimo horena
umaynaan lahayn inay inoo hirgalayaan iyo inaanay inoo hirgalayn iyo
wakhtiga inoogu hirgalayso iyo daraasado ka horeeyayba ma jiraan. Haddii
ay deeq bixiyeyaashu ay maal galintii kala noqdaana inay maal galiyaan
diiwaan galinta oo lacag badani ku baxaysayna, waxaan is leeyahay waxa
ka baxaya jadwalkii muddadii diiwaan galinta oo 4 bilood lagu qiyaasayay
inay soconayso. Haddii ay noqoto sidii aynu ku galnay doorashooyinkii
hore ay taasi ka fursan waydo waa laysla soo dhadhawayn karayaa muddadii
ay qabsoomayeen in laga heshiin karo. Waxa jira muran faro badan oo
mucaaridka iyo xukumada inta badan dhex mara, waxa jira adkayn nabad
galyada ah iyo ciidamo badan oo la soo galiyay magaalada. Waxa jira
xadhigyo, waxa jira dilal waxa jira wax fara badan oo ayaamahan
dhibaatooyin oo maalmahan ugu danbeeyay magaalada ka dhacayay. Mid marka
ugu horeysa anigu waa taageerayaa oo nabad galyada intii la adkayn
karayo la adkeeyo oo waxaaba ina faraysa xaalada guud ee inagu gadaaman
ee ka socda Geeska Afrika. Waxa iyaduna dhaliil ah oo aan la qaadan
karin haddii ay taasi ku biirto ama loo adeegsado xoogagii amniga
Qaranka lagu cabudhiyo mucaaridka iyo dad waxay xaq u leeyihiin oo
sharci ah ay leeyihiin gudanaya.
Somaliland umadd ahaan inaan xadhig iyo xabadi u noqon karin dhibaato
qaran waa waayo aragnimo ay leedahay iyo waliba, iyo cashar qaali ah oo
ku jooga qiime aad u sareeya ummadani marka ay soo marto dhibaatooyinkaa
oo kale way ka gaashamataa lagumana karo oo ay ka waantowdo oo aanay
dhinaca dawladu u adeegsan ciidamadaa wax ka baxsan amniga guud iyo
nabad galyadeena oo kaliya. Mida kale waxaan u sheegayaa shakhsiyaad ku
tartamaya xillalka madaxweynaha u tartamaya, shacbiga Somaliland waa u
diyaar in ay idinku kala saaraan codkooda, laakiin diyaar uma noqon
karaan in ay dhiig u daadiyaan tartankiina doorashooyinka.
Saddexdii doorasho ee horeba si wanaagsan oo nabadgelyo ah ayay dadku u
codeeyeen markaa tan lafteeda waa suurtogal, dhibaatooyinkuna way
yimaadaan in aanay tan maanta inagu dhacday inagu dhicin doorashooyinka
dambe ee aynu ka gaashaamano sidii muddada sharciga ah uun wax inoogu
qabsoomi lahaayeena waa casharka loo baahan yahay in aynu ka barano waxa
maanta ina haysta, oo marka shan sannadood kadib ay doorasho imanayso
aanay haddana tan oo kale inagu dhicin. Sidaa daraadeed anigu waxaan
dadweynaha leeyahay ha baqanina, ma jirto wax nabadgelyo darro la yidhaa
iyo nin xoog ku doonaya iyo nin xoog ku haysan karaya. Waxaan qabaa
Somaliland dimuquraadiyadeeda iyo xorriyadeeda 100,000 qof baa u dhintay.
ma jiro ka haya iyo mid iman doona midna sida anigu aan qabo nin sanduuq
iyo warqad lagu doortay oo ku dhici kara inuu yidhaahdo shan farood iyo
calaacal baan ku xukumayaa oo ka dagi maayo kama dhacayso ayaan qabaa
Somaliland, ka sidaa hawaystaa waa nin ku talogalay inay hooyadii ka
gablanto oo ay shacbiguna iyagu sharciga gacanta ku qaataan.”
S: Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in aanay madaxweyne Rayaale
madaxweyne u aqoonsanayn wixii ka dambeeya 15-ka May adiguna sidan ayaad
u hadlaysaa markaa labadaa arrimood sidee ayay isku qabanayaan?
J: Horta Kulmiye miyuu yidhi madaxtooyada waanu ka soo saaraynaa. Muu
odhan baan qabaa, haddii ay yidhaahdaan madaxweyne sharci ah uma aragno
waa wax kale, markaa waxa la isku hayaa sharci ma yahay mise maaha.
Dastuurku wuxuu ina odhanayaa muddada xilka ee madaxweynuhu waa shan
sannadood, shantaa sannadood wixii ka badan waddo qudha ayaa inoo furan
oo dastuurkeenu ka jawaabayaa markaasina waxa weeye haddii ay dhacaan
dhibaatooyin nabadgelyo darro oo kalifi kara inay doorashooyinku
qabsoomi waayaan taasi oo Guurtida siinaysa inay u jidayso oo ay muddada
u kordhiso. Laakiin doorashooyinku waxay u qabsoomi waayeen waa xil
gudasho la’aan taana dastuurkeenu ma caddaynayo.
S: Adigu Cali Guray ayaan kamaad muuqan jirin saaxada saxaafadda markaa
maxaa kalifay inaad maanta saxaafada la hadashid?
J: Horta sidaydaba ma ihi shakhsiyaadka ku badan saxaafadda. Marka aan
Kulmiye ahay ee aan xil u hayo xisbiga dhexdiisa ayaa inta badan laga
yaabaa in ay noqoto ama aan kasoo qayb galo shir saxaafadeed. Imika
anigu Kulmiye xubin caadi ah ayuun baan ka ahay, gole dhexe uguma jiro,
guddi fulineed uguma jiro, xil uma hayo, xogogaal iyo waayo aragnimo
dheerna waan usoo lahaa dhacdooyinkan jiray. Waxay igu simi wayday
markaan shacabkii iyo ra’yigii dadweynaha eegay in aan ka aamuso xaalada.
S: Adigu maxaad imika xal u aragtaa?
J: Anigu waxaan qabaa waxa inagu yimid iinuu yahay dib u dhac, iskumana
hayno doorashooyinkii waa la qabanayaa iyo lama qabanayo. Mar haddii ay
tahay waxa aynu isku haynaa dib u dhac, muddadaa dib u dhucu inta ay
noqonayso imika Guddoomiyihii Golaha Wakiiladu waxa uu ku jiraa
dhexdhexaadin, xalkana waxaan u arkaa in dhexdhexaadintaa la aqbalo oo
qofku sidii uu doonayay haddii la waayo sida laga fursan waayo in la
yeelo, dib u dhacani waa mid aynu ku khasbanahay in aynu aqbalo muddo
dib u dhac ku ah doorashooyinkeena.
S: Inta badan waxaa xisbiga Kulmiye lagu eedeeyaa in sababahan dib u
dhaca doorashooyinka isagu aqbalay, arrintan aad leedahay xul gudasho
la’aan bay ahaydna in aad ka hadashaan ka hor intii aanay muddadu ka
dhamaanin madaxweynaha, maadaama oo aad idinku qayb ka tihiin xil
gudasho la’aantan aad ku eedaynaysaan madaxweynaha maxaad ku diidan
tihiin in xilliga ay Guurtidu qabatay in aad aqbashaan?
J: Xil gushado la’aantaa waa la qaybsanayaa, eeda inta ugu badan waxa
yeelanaya madaxweynaha waayo waa masuulkii koowaad ee qaranka, wixii
xumaan ah ee ka dhaca dalka iyo wixii u qabsooma labadaba isaga ayaa
xilkooda qaadanaya. Ta kale waa la qaysaanayaa, komishanka dib u dhac
baa ku yimid waa run, Kulmiye siddeed bilood ayuu xubintiisa soo
magacaabi waayay waa run, Kulmiye dib u dhaca waa ka qayb ee kama
baxsana, Guurtidu waa ka qayb ee kama baxsana, Wakiiladu waa ka qayb ee
kama baxsana markaa haddii la qaybsaday xil-gudasho la’aantaa,
khasaaruhuna waa in aanu noqon naf ee waa inuu noqdaa wakhti aynu wada
aqbalo.
S: Waxaad ku eedayseen Guurtida inay saaxiib la yihiin xukuumadda,
idinka xisbigiina Kulmiye-na waxaad sheegteen inaad meesha ka saaraysaan
markaa taasi miyaanay wiiqaynin taageeradii aad Guurtida ka heli
lahaydeen?
J: Anigu waxaan qabaa intii suuro gal ah in ay waajib ku tahay Kulmiye
inuu wanaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay Guurtida mar kastaba
| Xisbiga
KULMIYE Oo Ka Cudur-daartay Kulan Uu Akaadamiga Nabaddu Isku
Horfadhiisinayay Axmed Siillaanyo Iyo Daahir Riyaale |
Hargeysa May11, 2008 (Haatuf) – Hay’adda Maxaliga ah ee
Akadamiga Nabadda iyo Horimarinta Somaliland ayaa sheegtay in xisbiga
Kulmiye ka cudur-daartay kulan ay isku soo horfadhiisinayeen
hoggaamiyeyaasha xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Riyaale, kaas oo ay
sheegeen inay balan kaga soo sameeyeen Madaxweyne Riyaale inuu dhaco
10/5/2008 oo ku beegnayd 8:00 caweysnimo ee xalay.
Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa isagu sheegay inay akaadamiyada ka
codsadeen in fursad la siiyo, isla markaana la xoojiyo dhexdhexadinta uu
hore ugu jiray gudoomiyaha golaha Baarlamaanka Md. Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro).
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeedyo ay shalay soo kala saareen
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Siillaanyo iyo
Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumaritna.
Akaadamiyadda Nabadda ayaa iyadu war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay inaanu
Madaxweyne Riyaale ka codsan inuu kulan iyo balan uga soo sameeyaan
xisbiyada mucaaridka ah ama KULMIYE gaar ahaanba, hase yeeshee waxay
sheegeen inay iyagu Madaxweynaha ka codsadeen inuu la kulmo hoggaanka
xisbiga KULMIYE, taas uu ka ogolaaday, hase yeeshee uu kulankaasi ka
baaqday dhinaca KULMIYE oo sabab uga dhigay in horta laga gun-gaadho
dhexdhexaadintii uu ku hawlanaa gudoomiyaha Baarlamaanku Mudane Cirro.
Akaadamiyaddu waxa kale oo ay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay inaanay
ka daalayn wixii dedaal ah ee lagu daminayo xiisadda ka taagan
khilaafaad siyaasi ee u dhexeeyay mucaaridka iyo xukuumadda, halka uu
xisbiga KUMIYE-na ku celceliyay inuu aaminsan yahay in khilaafaadka
siyaasiga ah wada-hadal lagu dhameeyo. Labada war-saxaafadeed
ayaa daba socday war shalay lagu daabacay wargeyska Saxansaxo oo
sheegaya in Akaadamiyaddu wado qorshe laysku soo horfadhiisinayo
hoggaamiyeyaasha KULMIYE iyo xukuumadda Riyaale, taas oo uu Madaxweynuhu
codsaday waxaanay iyagoo taas oo ka jawaabay yidhaahdeen “Ma aha
dhaqanka iyo caadada Akaadamigu in ay warbaahinta kaga waranto hawlaha
dhex-dhexaadineed ama wixii waan-waan ah ee ay ku jirto ilaa inta ay
dhamaanayaan, markaas oo wixii ka soo baxa madal loo wada dhan yahay
lagu soo bandhigo, tirsigii Saxansaxo ee soo baxay 10/05/2008, war lagu
baahiyey oomagaca Akadamiga lagu xusay ayaanu halkan kaga jawaabaynaa.
Waxaanu halkan ku cadaynaynaa:
1. In madaxweynaha JSL naga codsan in aanu kulan iyo balan uga soo
samayno xisbiyadda Mucaaridka ah ama KULMIYE-ba gaar ahaantii.
2. In aanu Akadamiga codsi qoraal ah oo uu arintaa ku dalbanayno u
gudbino Xisbiga KULMIYE.
Haddaba maxaa dhacay?
Habeen iyo maalin is xigay (6/5/08da iyo 7/5/08-da) markii aanu la
kulanay hogaanka xisbiga KULMIYE ee aanu wada gorfeynay dhibaatooyinka
hor taagan doorashooyinkii iyo Diiwaangelintii, ka dib ayaanu balan la
qabsanay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Falanqayn iyo gorfayn
qoto dheer ka dib waxaanu ka codsanay in uu la kulmo hogaanka xisbiga
KULMIYE, taas oo uu naga ogolaaday isaga oo habeenimaddii 8/5/08-da, na
soo siiyey ballan ah 10/5/08, saacaddu marka ay tahay 8 habeenimo in ay
madaxtooyadda ku kulmaan madaxweynaha, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,
Akaademiguna goob joog ka ahaado, warkii aanu af ahaan ugu gudbinay
hoggaanka Kulmiye, 9/5/08-da barqonimaddii Jimcaha. 10/5/08, oo maalin
sabti ahayd farriin aanu ka hellay xisbiga Kulmiye waxaa na loogu
sheegay in aanay ballantaasi waqtigan la joogo suuuro-gal ahayn iyaga oo
sababayntooda sheegay, sidaasna waxaa uu ku baaqday ballankaas.
Akaaademi ahaan waxaanu halkan ku ballan qaadaynaa in aanan ka daalayn
wixii dedaal ah ee aanu ka gaysan karno sidii xiisadaha taagan loo
maarayn lahaa, Nabadda loo adkayn lahaa geeddiii socodka
dimuqraaddiyaddana loo horumarin lahaa” ayaa war-saxaafadeedka
Akaademiga lagu xishay. Dhinaca kale, war-saxaadeedka
xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexnaa Axmed Siillaanyo ayaa isna u dhignaa
sidan: “Warka maanta ay qortay Jariidada Saxansaxo ee sheegaya in
Akademiyadu qoraal soo gaadhsiisey hoggaanka Sare ee xisbiga KULMIYE.
Qoraal rasmi ah ma jirin ee farriin af ah ayay keeneen.
KULMIYE wuu aqbalay, horena uu u caddeeyey in wixii khilaafaad siyaasi
ah ee dalka ka jira, Madaxweynaha kala kulmo oo ay ka wadahadlaan,
haddana waa u diyaar inuu la kulmo oo ay ka wadahadlaan khilaafaadka
siyaasiga ah. Hase yeeshee, arrinta Xisbiyada mucaaridka
iyo Madaxweynaha waxa dhexdhexaadinayey oo muddo ku jirey Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
labada xisbina arrintaa waa ka wada socdeen, talo-wadaagna way ka
lahaayeen.
Haddaba, Akademiyadu shalay ayay goonni ahaan ugala soo xidhiidhay
arrintaa xisbiga KULMIYE. KULMIYE wuxuu ka codsaday Akadeemiyada in
fursad la siiyo, lana xoojiyo dhexdhexaadinta uu ku jiro Guddoomiyaha
Golaha Wakiilladu, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
KULMIYE, mar walba wuxuu xoojinayaa nabadda, wuxuu aamisan yahay in
khilaafaadka siyaasiga ah wadahadal lagu dhammeeyo,” ayuu xisbigu ku soo
gebagebeeyey warsaxaafadeedkiisa.
| Ajandaha
Kalfadhigan Wakiilada Oo Lagu Soo Daray Natiijada Dhexdhexaadintii
Gudoomiye Ciro Iyo Mawqifka Golaha Ee Khilaafaadka Cakiran
|
Hargeysa, May 11, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada ayaa
shalay ansixiyey Ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn ee afraad oo ka
kooban afar qodob kaas oo guud ahaanba la bedelay Ajandihii hore marka
laga reebo ansixinta miisaaniyadda 2008 oo hore ugu jiray hase yeeshee
saddexda qodob ee ajandaha ku cusub ayaa waxaa ka mida, warbixnta
natiijada dhexdhexaadinta Gudoomiyaha ee khilaafka siyaasiga ah iyo talo
bixinta golaha ee ku aadan xaaladda guud ee dalka, kuwaas oo ah
qodobadii miisaanka lahaa ee ka soo dhex baxay doodihii mudanayaasha ee
Ajandihii hore.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayey Gudoomiyaha golaha wakiilada Md. C/raxmaan
Maxamed C/laahi Ciro oo ay ka soo xaadireen madasha fadhiga 44 mudane
ayaa waxaa fadhigaasi mudanayaasha loogu qaybiyey nuqulka ajandaha cusub
ee kalfadhiga aan caadiga ahayn (30/4/2008-26/5/2008) oo lagu soo
saleeyey doodihii goluhu toddobaadkii hore ka yeeshay ajandaha
kalfadhiga, waxaanu gudoomiyuhu mudaneyaasha u soo jeediyey in ajandahan
kalfadhiga 4aad oo lagu soo saleeyey qodobadiisa nuxurkii doodaha ka soo
baxay ay cod u qaadaan ansixintiisa, intaa kadibna waxa uu goluhu cod
aqalabiyada ku ogolaaday ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn oo ahaa
cod dhan 39 mudane, waxaana diiday 4 mudane cid ka aamustayna may jirin
gudoomiyuhuna ma codayn, halkaasi ayaanu ansax ku noqday ajandaha
kalfadhiga aan caadiga ahayn oo ka kooban afar qodob, 1. ansixinta
miisaaniyadda qaranka 2008, 2. warbixinta natiijada dhexdhexaadinta
Gudoomiyaha ee khilaafka siyaasiga ah, 3. talo bixinta golaha ee ku
aadan xaaladda guud ee dalka, 4. wixii kale ee soo kordha.
Intaa ka dib waxa uu goluhu warbixin ka dhegaystay Mudane Naasir X. Cali
Shire oo socdaalo hawleed ku soo maray dalalka Maraykanka, Kanada iyo
Finland, isagoo halkaasi kaga waramay kulano marti qaada oo loogu
sameeyey fadhiyada Baarlamaanada Kanada iyo Finland isla markaana lagu
gudoonsiiyey Hadyado lagu sharfay oo uu golaha soo gaadhsiiyey.
Mudane Shire isagoo ka waramayey safarkiisana waxa uu yidhi
“Baarlamaanka Kanada oo nalagu martiqaaday waxaanu isla qaadanay in
guddi Parlamentary group ah oo labada Baarlamaan ka tirsan aynu wada
samayno oo martiqaadyo labadeenuba isweydaarsano, arrinkaana waa laynaga
sugayaa Baarlamaanka Kanada oo fadhi ay lahaayeen nagu marti qaaday
waxaanu ku soo aragnay hab ka duwan habkeena gudoomiyuhu markuu
gudoominayo golaha kalidii ayaa madasha gudoominta fadhiya, Gudoomiye
ku-xigeenaduna xildhibaanada ayey dhex fadhiistaan marka kaliya ee uu
gudoomiyuhu maqan yahay ayay gudoomiye ku-xigeenadu madasha gudoominta
soo fadhiistaan, waxay naga aqbaleen in Baarlamaankoodu ay goobjoogayaal
u soo diri doonaan doorashooyinka caawimana ka gaysan doonaan dhaqaalaha
ku baxaya hirgalinta doorashooyinka.
Waxaa kale oo aanu la kulanay masuuliyiinta Baarlamaanka Finland oo aanu
kala hadalay in guddi Baarlamaani ah aynu wada samayno iyo inay
doorashooyinkeena goobjoogayaal u soo diraan, labadaa qodobna way naga
aqbaleen, balan qaadna way noo sameeyeen, jaaliyadihii qurba jooga reer
Somaliland ee aanu la kulanay waxay nagala hadleen oo ay inoo soo
jeediyeen in doorashooyinka Somaliland ee dabada isku haya meel qudha
laysugu keeno, 2, in qodobada distoorka ee xeerbaa qeexi doona la qabya
tiro oo macnahooda mugdiga laga saaro, 3, in muranada iyo isqab qabsiga
ka taagan dhismaha xeerka komishanka doorashooyinka, xeerarka lagu soo
dooranayo golaha guurtida iyo xeerarka mushaharka golayaasha qaranka
qabyadooda la dhamaystiro, waxaa kale oo ay inagula soo dardaarmeen in
warwarka ka taagan xaalada cakiran ee uu dalku ku jiro, xalintooda loo
maro, qodobka 9aad ee distoorka qaranka ee tilmaamaya mabaadiida wada
tashiga, waxaa kale oo ay Baarlamaanka Finland igu soo sharfeen hadyadan
ka mida koobabka ay isticmaalaan mudaneyaashu oo astaanta Barlamanka
Finland ku taalo.”
Top
| Booqashada
Wefdiga Gobolada Sool Iyo Sanaag Bari Ee Boorama Iyo Dareenada La
Xidhiidha Socdaalkooda |
“Ma jiraan arrimo siyaasadeed oo booqashadani xambaarsan tahay" xubin ka
tirsan guddida Jaamacadda Cammud
“Shacbiga reer Somaliland meel kastay booqan karaan ama lagu casuumi
karaa" badhsaabka gobolka
Boorama, May 11, 2008 (Haatuf) – Magaalada Boorama ayaa weli waxa ku
sugan wefti ka kooban siyaasiyiin ka soo jeeda degaanada Sool iyo Sanaag
Bari oo u horkacayo, siyaasiga caanka ah ee reer Sool, Axmed Cabdi
Xaabsade kuna weheliyeen xubno ka soo jeeda degaanada Sanaag Bari ee
Somaliland.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, booqashadan oo la filayey maalintii Khamiistii oo dib uga
dhacday ilaa habeenkii, ayaa sida la sheegeyo dareenno kala duwan ka
dhex abuurtay qaybaha dadweynaha Boorama, balse sida uu Haatuf u sheegay
xubin ka tirsan Guddida Jaamacadda Cammuud, lana yidhaahdo Xaaji Axmed
Miisaan, ayaa la sheegayaa inay booqashada weftigani la xidhiidho
iskaashi la xidhiidha dhinaca waayo aragnimada maamul, iyo horumarineed
ee ka dhaxayn kara gobolada dalka isagoo xaajigu arrintaasi ka
warramayana waxa uu yidhi "Weftigani waa siyaasiyiin reer Somaliland ah,
waxayna noogu yimaaddeen markii ay naga codsadeen inaan ka caawinno
waayo aragnimada reer Boorama ku dhisteen jaamacadaha, jidadka iyo
horumarinta maamulka Biyaha. Waxaan maanta geynay Jaamacadda Cammuud,
shirkadda Biyaha ee SHABA iyo meelo kale oo ay is leeyihiin waxbay
dadkooda ku nool gobolada ay ka yimaaddeen uga faa’iideyn karaan. Waxay
nooga warrameen baahiyahooda dhinaca qalabka waxbarashada iyo maamulada
horumarinta, waxan saaka [shalay] u dirray buugaag iyo agab kale oo
waxbarasho oo Jaamacadda Cammuud u dirtay goboladaasi, annagoo ugu
dhiibnay siyaasiyiintoodan, mana jiraan arrimo siyaasadeed oo ay nagu
soo hadal qaadeen, annaguna shaqoba kuma lihin siyaasad."
Guddoomiyaha gobolka Awdal, Maxamuud Sheekh C/Laahi oo qaddar kaddib
markii uu ka soo baxay shir xogwaraysi ah oo ay wada yeesheen isaga,
masuuliyiintaa ka socotay gobolada Sool iyo Sanaag bari, iyo
madaxdhaqameedyo reer Boorama ah, oo aan kulankoodaa saxaafadda waxba
looga sheegin wixii ka soo baxay, ayaa yidhi "Waa shay iska caadi ah in
dadka reer Somaliland aanay kala qo-qobnayn, qofka Sool joogaana iman
karo Boorama. Annagu ka dawlad ahaan, uma yeedhin, balse dhinaca ururada
rayidka ah, oo ay jaamacaddu ka mid tahay way isdhaafsan karaan
booqashooyin, mana aha in laga sameeyo wax aan jirin."
Inkastoo aanay weftiga reer barigu booqashadoodan Boorama waxba uga
sheegin saxaafadda, isla markaana aad moodeysay inay iska dhawrayeen
dareenno badan oo sababay inaanay ka muuqan goobaha martidu ku soo degto,
sida Rays Huteel laguna martigeliyey guryaha rayidka, balse qaar ka mid
ah dadweynaha ayaa booqashoodan u haysta inay tahay mid siyaasadeed oo
ay labadaa gobol ee darafyadu ku doonayaan inay iska bahaystaan beelaha
dhexe ee Somaliland, maadaama wakhtigan xasaasiga ah ee dalka uu ka
taaganyahay muran siyaasadeed reer Awdal goboladaasi uga baahan yihiin
taageero siyaasadeed oo la mid ah tii looga bartay dawladdii 1960kii.
Dhinaca kale qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegay inaanay weftigan iyo
reer Sool toona ku saamaxayn wixii ay ku sameeyeen Madaxweyne Rayaale
wakhtigii uu booqashada ku tegay goboladooda, kuwaas oo xabbad kala hor
yimi weftigii Rayaale ee booqashada ugu tegay shan ama lix sano ka hor.
Sidaa darteedna ay weftigani Boorama u yimaaddeen sidii ay reer Boorama
uga raalligelin lahaayeen wixii waagaa dhacay, bog cusubna loo furo
xidhiidhkooda horumarineed.
| Ciidanka
Baadhista Dembiyada Ee Boorama Oo Mar Kale Isdeldelaad Ka
Badbaadiyey Wiil Dhallinyaro Ah |
Boorama, May 11, 2008 (Haatuf) – Ciidanka baadhista dembiyada C.I.D ee
Gobolka Awdal ayaa mar kale qof dhallinyaro ah ka badbaadiyey
isdeldelaad uu naftiisa qudha kaga jari lahaa.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, Taliyaha ciidanka baadhista dembiyada ee Gobolka Awdal, Daahir
Bulaale, kana mid ahaa koox ka tirsan ciidankiisa oo saxaafadda u soo
bandhigay ninkaasi weydiinayeyna sababaha ku kellifay isdeldelaadasi,
ayaa waxa ninkaa dhallinyarada, oo magaciisa, la qariyey uu u sheegay
inuu ka soo jeedo qoys dan yar ah, isaguna ugu shaqayn jiray gaadhi
caanaha keena Boorama, laakiin lagu yeeshay lacag gaadhaysa 5kun oo
birta Itoobiya ah, taas oo aanu bixin karayn. Waraysiga la weydiinayey
sababta isdeldelaadda wiilkaasi ku kellifay ayaa dhinaca kale waxa
muuqatay inuu qarinayey arrimo kale oo u qarsoonaa kuna kellifay
isdeldelaadaasi.
Waa markii labaad ee ciidankaasi isdeldelaad noocan oo kale ah uu ka
badbaadiyo qof doonaya inuu naftiisa dilo. Sannadkii hore dhammaadkiisii
ayey ahayd mar oday 70 jir ah laga soo qabtay seeraha Boorama, isagoo
geed halkaa ku yaallay ku xidhay xadhig uu iska soo deldeli lahaa, kaas
oo sida wiilkan loo soo gudbiyey saldhigga Bileyska Boorama si wax looga
weydiiyo sababaha isdeldelaaddiisa, kuna macneeyey inay ahayd arrimo
qoys.
Taliyaha Xafiiska Baadhista dembiyada ee Gobolka Awdal, ayaa isla
sannadkii hore Haatuf u sheegay in waxyaalaha ku cusub ee gobolkan ee
dadku ku kacaani ay ka mid yihiin isdeldelaadda, dad aan la aqoonsan oo
ku geeriyooda suuqyada sidii dhacday laba ama saddex toddobaad ka hor,
oo ay nin meyd ah ka soo qaadeen suuqyada magaalada, kaas oo loo
aqoonsaday inuu ka yimi meelo ka baxsan gobolkan Awdal ama dalka
Soomaaliya ka yimi, ninkaasina ay wadajir u aaseen iyaga iyo dawladda
Hoose ee Boorama.
| Shirgudoonka
Golaha Guurtidda Oo Fadhigii Shalay Uga Muquurtay Cabsi La Xidhiidha
Mooshin Gondahooda Jiifa |
Hargeysa, May 11, 2008 (Haatuf) – Shirgudoonka Golaha Guurtidda ayaa gebi
ahaanba ka soo xaadirin fadhigii shalay oo goluhu u balansanaa dooda
xeerka komishanka xuquuqal iinsaanka oo arbacaddii todobaadkii hore
mudanayaasha loo qaybiyey, taas oo madasha laga waayey shirgudoonka
mudanayaashu ku kala dareereen.
Iyaddoo sida qaalibka ah aanay dhici jirin in labada gudoomiye ku xigeen
Sheekh Axmed Sh. Nuux iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac
Cali aanay fadhi kaliya kawada maqnaan jirin, balse uu midkood sii
gudoomin jiray fadhiga golaha, ayaa waxaa mucjiso layaab ah ku noqotay
markii la waayey mid ka mida xubnaha shirgudoonka, inkasta oo aan si
rasmiya loo ogeyn arimaha sababay in xubnaha shirgudoonku ay ka
muquurteen fadhigii shalay ee u baaqday maqnaanshahahooda hadana waxay
ilo xogogaal ahi sheegayaan in shirgudoonku ka luqun diin leynayo
mooshin todobaadkan u dambeeyey golaha dhex wareegayey oo ay koox
mudanayaal ahi abaabulkiisa wadaan, taas oo ay tibaaxuhu sheegayaan in
mooshin kaasi oo la sheegay inuu ku jiheysan yahay gudoomiye ku xigeenka
kowaad Sheekh Axmed Sh. Nuux oo ay mudanayaasha mooshinkaasi watay
dhaliil uga dhigayeen jilicsanaan la xidhiidha qaabka uu u hogaamiyo
golaha, taas oo ilo xogogaal ahina sheegayaan in arintaasi awgii uu
sheekh Axmed Sh. Nuux na ka war wareegayo midha-dhalka mooshinkaasi,
iyada oo dhinaca kalena wararka qaarkood sheegayaan in Sheekh Axmed
damacsan yahay inta gudoomiyaha goluhu Md: Saleebaan Maxamuud Aadan oo
safar dibadeed ku maqani inta uu ka soo gaadhayo uu golaha sidaa uga
maqnaado.
Dhinaca kale iyadoo mudaddii sharciyada kalfadhiga 35aad ee golaha
Guurtidu ay muddo dhaaf tahay, kuna eegayd badhtamihii bishii hore ee
May, ayaa waxay tibaaxuhu sheegayaan in shirgudoonka oo damacsanaa in
golaha uu soo xidho ay mooshin lagu dalbanayo in goluhu galo kalfadhi
aan caadi ahayn, ay u gudbiyeen shirgudoonka koox mudanayaal ah oo la
sheegay in shirgudoonkuna mooshin kaas lagaga hortagayo in goluhu fasax
galo, uu dareen didmo ah ka qaaday taasina waa arimaha lagu sababaynayo
in shirgudoonku uga muquurtay madasha fadhiga iyadoo cabsi ka qaba
mooshinkaasi ay u soo saldhigi waayeen.
| Riyaale:
Hogaamiye Lagu Hungoobay |
Maxamed Cismaan Dubbe Q-21aad
Talaabooyinkii kali talisnimada ahaa ee uu ku kacay Riyaale ayaa waxa ay
maanta ina gayeysiiyeen in deeq bixiyayaashii caalamku ay ku dhawaaqeen
in aanay Somaliland wax lacag ah siin doonin, mar haddii ay Somaliland
noqotay mid ka baxday khariidadii dalalka dimuqraadiga ah.
Deeq bixiyayaasha ayaa waxa ay xanibeen lacagtii ay ugu talo galeen in
ay Somaliland diiwaangelinta ku gasho, ka dib markii deeq bixiyayaasha
caalamiga ah ay u cadaatay in xukuumadda Riyaale oo markii hore ay u
haysteen in ay tahay mid ku dhisan dimuqraadiyad ay mar kali ah isu
rogtay xukuumad kali talis ah.
Madaxweyne Riyaale ayaa si uu kursiga ugu sii fadhiyo waxa uu gawracay
hanaankii dimuqraadiyada ee aynu caalamka ka iibinaynay, taasina waa ta
aakhirkii sababta u noqotay in deeq bixiyaashu go’aan ku gaadhaan in aan
Somaliland wax lacag ah la siin ilaa inta ay dib ugu soo noqonayso
wadadii dimuqraadiyada.
Ugu dambayntii waxa la gaadhay dhamaadka wakhtigii Xukuumadda Riyaale.
Dhamaan dadka reer Somaliland ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo
dibadiisa ayaa waxa ay si isku mid ah dhegta ugu taagayaan dhawaaqa ka
soo yeedhi doona Xukuumadda Riyaale marka la gaadho daqiiqada ugu
dambeysa ee cimrigeeda.
Shacbiga reer Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa ayaa waxa ay ku kala
gedisan yihiin saadaasha laga fili karo Madaxweyne Riyaale marka ay
dhamaato ajasha xukuumadiisu.
Ugu horayn dad badan ayaa waxa ay aaminsan yihiin in aanu Madaxweyne
Riyaale dheg jalaq u siin doonin hadii la yidhaahdo muddadii baa kaa
dhamaatay ee bal xal keen iyo hadii kale toona, sababtoo ah bay
leeyihiin Riyaale waa nin ku adag go’aanka uu gaadho mana jirto cid kali
ah oo la odhan karo wax buu ka maqlaa ama waa ay qaban kartaa Madaxweyne
Riyaale.
Dadka sidan ku doodaya ayaa waxa ay daliishanayaan in Madaxweyne Riyaale
uu horeba u diiday ka noqoshada go’aankiisa, waxaana ay tusaale u soo
qaadanayaan in Madaxweynuhu uu ka baxay go’aankii wada jirka ahaa ee ay
wada gaadheen isaga iyo gudidii ka koobneyd salaadiinta, culimada diinta
iyo abwaanada, iyadoo xitaa uu Madaxweynuhu gaadhay heer uu aflagaado
iyo hadalo meel ka dhac ah uu kula kacay abwaanka weyn ee Hadraawi oo
gudida ka mid ahaa, taas oo fajiciso ku noqotay dhamaan dadka reer
Somaliland.
Dad kale ayaa iyaguna ku doodaya in Madaxweyne Riyaale uu horeba u
gaadhay go’aan ah in uu kursiga ku sii fadhiyo cid alaale cid wax ka
qaadi kartaana aanay jirin, dadka fikirkan qaba ayaa waxa ay leeyihiin
Riyaale waxa uu isku haleynayaa ciidamadan faraha badan ee uu taxay min
Hargeysa ilaa Laascaanood, ciidamadan oo weliba si dhib yar dadka u
toogta, qudhana uga jara iyadoo aanay jirin cid ka daba tagta ama la
xisaabtanta ciidamadan aad moodo in ay ku shiish baranayaan
muwaadiniinta aan waxba galabsan.
Ciidamada ayaa iyaga oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan waxa
ay dhooban yihiin goolad kasta oo ka mid ah wadooyinka magaalada
Hargeysa, iyagoo weliba si aad u fool xun ula dhaqma shicibka gaadiidka
wata, mar marka qaar waxa ay gaadhaa in ay ciidamadu si bilaa macni ah
oo aanay u kala aabo yeelayn ay toogasho qudha ugaga jaraan dadka
shicibka ah ee habeenkii gawaadhida wata.
Waxa ugu dambeysay dhacdadii ay ciidanku ku dileen 26/04/2008 Hani Xasan
oo ahayd gabadh yar oo aan waxba galabsan iyadoo wadihii gaadhigii lagu
toogtay Hani uu isaguna ilaa imika si sharci daro ah ugu xidhan yahay
saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Qaar kale oo ka mid ah dadweynaha ayaa waxa ay qabaan fikrad odhanaysa
Madaxweyne Riyaale oo ah hogaamiye aan khibrad badan u lahayn siyaasadda
iyo dimuqraadiyadda uu caalamku ku dhaqmo ayaa waxa uu ku deyanayaa
ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi oo doorashooyinkii
dalkiisa ee sanadkii 2005tii ku kacay falal ka dhan ah dimuqraadiyada oo
ay ka mid ahaayeen xadhigii mucaaradka, dilkii aan kala sooca lahayn ee
ciidamada Meles Zenawi ay ku khaarajiyeen boqolaalkii qof ee ka
mudaharadaay magaalada Addis Ababa, iyo xadhigii uu kula kacay
saxafiyiinta.
Iyada oo uu Zenawi ku kacay waxaas oo khaladaad ah ayaa uu haddana weli
uu kursigii ku fadhiyaa isaga oo khasab ku haysta awooda dalkiisa.
Sidaa darteed ayaa madaxweyne Riyaale waxa uu hore u sii qorshaystay in
uu soo koobi garaysto qorshahaa khaldan ee uu ku kacay Meles Zenawi ee
dilka iyo cabudhinta ku salaysnaa.
Dadka fikradan qaba ayaa waxa ay ku doodayaan in Madaxweyne Riyaale uu
imikaba bilaabay fulinta qorshihiisan uu ka soo dheegtay Zenawi, waxaana
cadayn u ah dilkan ay ciidamadu sida dhibta yar u laynayaan shicibka,
muddo kordhintan bilaa sharciga ah ee uu xilka ku kordhistay isagoo
Guurtida adeegsanaya iyo falal kale oo kali talisnimo ah oo uu
Madaxweynuhu ku dhaqmayay mudooyinkan ugu dambeeyay.
Halka dad badani ay aaminsan yihiin in Riyaale uu qabo kalsooni aad u
weyn oo ah in aan cidina kula xisaabtamayn ficil kasta oo uu sameeyo,
mar haddii horeba loogala xisaabtami waayay khaladaadkii isdaba jooga
ahaa ee uu ku kacayay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo
14/05/2003.
La soco………….. Top
|