Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi-Qaran Oo Dadweynaha
Hargeysa, Burco Iyo Boorama Kala Qaybgalay Xuska 18-Ka May Iyo Nuxurka
Khudbadihii Ay U Jeediyeen
Sidee Looga Dabaal-degay Munaasabadda 18-ka May Gobolada Iyo
Degmooyinka Dalka?
Hoggaamiyeyaasha Ururka QARAN Oo
Jaaliyadda Somaliland Ee Cardiff Kala Qayb-Galay Xuska 18-Ka May
Prof. Ismaaciil Muumin Iyo
Masuuliyiinta Kulmiye Oo Ka Hadlay Sidii Loogu Diiday Inay Ka Hadlaan
Munaasibadda 18-ka May Ee Boorama Lagu Qabtay
Deeq Isugu Jirtay Gaadiid Iyo Qalab Oo
Ay Bisha Cas Ee Imaaraadku Bixisay Oo Lagu Wareejiyey Madaxtooyada
Gaadiidka Dadweynaha Hargeysa Oo Xalay
Loo Diiday Inay Maraan Madaxtooyadda Horteeda Cabsi Darteed
Ciidamo Ka Socda Qaramada Midoobay Oo
Dhowaan La Filayo In La Geeyo Somalia
Faysal Cali Waraabe Fursadaha Uu Helo
Ma Ka Faa’iidaysan Doonaa?
|
|
Hoggaamiyeyaasha Saddexda
Xisbi-Qaran Oo Dadweynaha Hargeysa, Burco Iyo Boorama Kala Qaybgalay
Xuska 18-Ka May Iyo Nuxurka Khudbadihii Ay U Jeediyeen |
"Waxan Leeyahay Markuu Mandate-kiisu Dhammaado 15-ka May, Madaxweynuhu Waa
Gudoomiye" Faysal Cali Waraabe
“Xukuumad Ahaan Iyo Xisbiyada Qaranka Waxaanu rajaynaynaa balan dambe oo
noo qabsoomaysa inaanu wanaag ku dhamaysano wixii noo dhiman” Rayaale
“Runta in laga warwareego maaha ee dimuqraadiyadeena waxa ku yimi
hantaaqooyin waaweyn, balse ma yeeli doono …” Axmed Siillaanyo
Hargeysa/Burco/Boorama, May 19, 2008 (Haatuf) – Xafladdo kala duwan ayaa
shalay si weyn loogaga kala xusay munaasibadda sannad-guurada 17aad ee
dib-ula-soo-noqoshadii madax banaanida Somaliland oo ku beegnayd
maalintii shalay ee 18-ka May, magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama,
kuwaas oo ay kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaas ay
isugu soo baxeen fagaarayaasha Xoriyadda loogu dabaaldego, iyadoo ay
dadweynahaas kala qayb-galeen xuska dabaaldega 18 May saddexda
hoggaamiye ee saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.
Munaasibaddan ayaa sannadkan ku soo beegan xili uu dalka ka jiro khilaaf
siyaasadeed oo cakiran oo ka dhashay kadib markii ay dhammaatay muddadii
shanta sannadood ahayd ee xilka loo doortay Xukuumadda uu Madaxweynaha
ka yahay Daahir Riyaale Kaahin, taas oo ay muddada xilku kaga ekayd
15-kii May ee bishan, iyadoo ay golaha Guurtidu go’aan ay soo saareen
10-kii April ku sheegeen inay muddo sannad ah u kordhiyeen Xukuumadda
Riyaale, hase yeeshee xisbiyada mucaaridku ay si adag geeska ugu
dhufteen kuna dhawaaqeen inaanay Madaxweyne u aqoonsan doonin Daahir
Riyaale wixii ka dambeeya 15-kii May. Inkastoo maalin ka hor wakhtigii
kama dambaysta ahaa ee Xukuumadda Riyaale ay wada-hadalo isugu yimaadeen
madaxda saddexda xisbi, haddana ilaa hadda ma jiro heshiis la isku
af-gartay marka laga reebo in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira.
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Siilaanyo ayaa isagu
munaasibaddan kala qayb-galay dadweynaha magaalada Burco, Sidoo kale
gudoomiyaha xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe
ayaa isna dabaal-dega munaasibadda kala qayb-galay dadweynaha magaalada
Boorama, halka uu Madaxweyne Riyaale isagu kala qayb-galay dabaaldega
munaasibadda dadweynaha Reer Hargeysa.
Hargeysa
Madaxweyne Riyaale oo muddadii xilka loo doortay dhammaatay 15-kii May,
ayaa munaasibad loogu dabaal-degayay 18-ka May waxa uu fagaaraha Beerta
Xoriyadda ee Hargeysa kagala qayb-galay kumanaan dadweynaha reer
Hargeysa ah, kuwaas oo subaxdii horeba ku soo jarmaaday fagaaraha beerta
Xoriyadda, halkaas oo uu Daahir Riyaale ka jeediyay khudbad kooban oo uu
kaga hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin ciidamo nabad ilaalineed
oo ay Qaramada Midoobay keenayso Somalia, wada-hadalada u socda
Xukuumadda iyo mucaaridka, sicir-bararka iyo raashinka qaaliyoobay,
balanqaad la xidhiidha ceel biyood oo uu sheegay in laga qodi doono
koonfurta magaalada Hargeysa iyo dardaaran uu u jeediyay dadweynuhu inay
nabadgelyada ilaaliyaan.
Ammaanka beerta Xoriyadda ee Hargeysa, ayaa shalay si weyn loo adkeeyay
iyadoo wadooyinka soo gala Beerta Xoriyadda aad ku arkaysay ciidamo
farabadan iyo gawaadhida tiknikada, waxaanad dareemaysay in jawiga xuska
maalintani uu aad uga duwanaa kuwii ka horeeyay, iyadoo ay dadka ka
qayb-galayna ka yaraayeen kuwii munaasibadihii hore, waxaanay dadka
intooda badani ku soo jireen jidka markii uu Daahir Riyaale uu si degdeg
ah khudbad dhawr daqiiqadood qaadatay ugu saydhiyay kadibna uu isa soo
rogay, taasina waxay keentay in dad badani ku soo lu’go’aan ka
qayb-galka xuska.
Madaxweyne Riyaale khudbadiisa waxa uu ugu horeyn ku yidhi: “Maanta waa
maalin weyn, oo waxaynu u dabaaldegaynaa oo aynu xusaynaa
sannad-guuraddii 17-aad ee aynu la soo noqonay gooni-isu-taageena, waana
maalin taariikhi ah oo taariikh weyn u leh ummadda Somaliland meel kasta
oo ay joogaanba, waxaanan aaminsanahay ninkii 1991-kii dhashay inuu
qaan-gaadhay.”
Riyaale waxa uu sheegay, in xuskani kaga duwan yahay xusaskii hore ee
18-ka May, in dalka oo dhan shalay laga wada xusay. “Maanta waxa ay kaga
duwan tahay sannaddihii hore ee aynu xusi jiray, dhamaan Somaliland
Goboladeeda oo dhan ayaa laga xusayaa munaasibadan, guulaha ay ciidamadu
gaadheen ee suuragaliyay inaynu xuduudaheenii iyo Goboladii inaga maqnaa
ayaa ah ta keentay in meelo aan laga xusi jirin xuskan maanta laga xuso,”
ayuu yidhi Daahir Riyaale, isagoo munaasibaddaas awgeed hambalyo u diray
guud ahaanba shacabweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo
dibad, waxaanu u rajeeyay inay sanadka sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo
barwaaqo.
Daahir Riyaale waxa uu ku dooday inay dawladiisu dedaal badan ka gashay
sidii loo sugi lahaa xuduudaha dalka iyo maamul fidinta, taasina ay
tahay ta suuragelisay in maanta manaasibaddan 18-ka May laga wada xuso,
guud ahaanba dalka Somaliland.
“Waxa astaan inoo ah midnimada Qaranka, wada-jirka dal ahaaneed iyo dad
ahaaneed oo aynu ka wada shaqayno, taas ayaanaynu ku gaadhaynaa
himiladeena dhaw iyo ta fog labadaba, taas ayaana ah ta aynu ku xusayno
sannad-guurada 17-aad” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale waxaanu shacabka
Somaliland ugu mahad-naqay sugida nabadgalyada, oo uu sheegay inay aad
ugu dedaalaan, foojignaan baddana ka muujiyaan.
Mar uu ka hadlayay khilaafka u dhexeeya isaga iyo hoggaamiyeyaasha
xisbiyada mucaaridka iyo wada-hadalada u furmay waxa uu yidhi: “Waxaan
idiin sheegayaa Xukuumad ahaan iyo Xisbiyada Qaranka wada-hadal ayaa noo
bilaabmay, si fiican ayuu noogu bilaabmay, waxaananu rajaynaynaa balan
dambe oo noo qabsoomaysa insha Allaahu inaanu wanaag ku dhamaysano wixii
noo dhiman.”
Sidoo kale waxa uu Daahir Riyaale sheegay in ceelal biyood laga qodi
doono Koonfurta magaalada Hargeysa, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa
uu yidhi: “Waxaan idiin sheegayaa dhibaatada inoogu daran ee dalkeena ka
jirtaa waa biyo la’aanta. Safarkaygii ugu dambeeyay ee aan Imaaraadka ku
tagay wixii aan kala soo kulmay Riigii ugu horeeyay oo ceelashii ugu
horeeyay Koonfurta Hargeysa ka qodi doona hadii illaahay yidhaahdo,
maadaama ay xagaa ka biyo la’adahay magaaladu, maantana wuu joogaa oo
shalay ayuu ka soo degay Berbera. Waxaanu wax weyn ka tari doonaa
baahida biyo la’aaneed ee wadanka ka jirta.”
Mar uu ka hadlayay cunta la’aanta caalamka ka jirta, waxa uu Riyaale
yidhi, “Waxa aduunyada maanta ka taagan dhibaatooyin xaga maceeshada ah,
Aduunka Bariiska dadkii beeri jiray maanta way joojiyeen, aniga oo
Illaahay ka baryaya dhibaatooyinkaa inuu inaga soo furto waxa inala
gudboon inaynu beeraha qodono, dawladuna waxay ku talagashay dadka
beeraha qodanaya inay ka caawiso xaga beer qodaalka sannadkan haddii
illaahay yidhaahdo, aniga oo illaahay ka baryaaya inuu inoo keeno roob
inagu filan oo dalka oo dhan gaadha.”
“Fariinta aan u diraayo shacbiga reer Somaliland meel kasto oo uu joogo,
waxa weeyaan inaynu ka shaqayno is jacaylka gudeheena iyo walaaltinimada
gudeheena, taas oo inaga dhigaysa dad wax noqda,” ayuu yidhi Madaxweyne
Rayaale isagoo balan-qaaday sidii ay dawladda Somaliland nabadgelyo
ugula noolaan lahayd dalalka jaarkeeda, inta xidhiidhku ka dhexeeyo,
inta aan xidhiidhku ka dhaxayna ay ku dedaali doonaan sidii ay xidhiidh
ula samayn lahaayeen.
Madaxweynuhu mar uu la hadlayay Siyaasiyiinta uu ka midka yahay isagu
iyo Saxaafadda waxa uu yidhi, “Waxaan ku boorinayaa bahda warbaahinta
iyo qolyahayaga siyaasaduba inay dadka ka ilaaliyaan wax ala wixii
xajiimaynaya wada-noolaanshaha iyo wada jirka shacbiga reer Somaliland,
taas oo caqabad ku noqon karta geedi-socodka horumarkeena.”
Madaxweyne Riyaale waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada
nabad-ilaalinta ee ay Qaramada Midoobay qorshaynayso inay ka soo dejiso
Somaliland, iyadoo uu hore wargeyska Haatuf u daabacay war arrintan la
xidhiidha oo uu Xoghayaha Qaramada Midoobay ku sheegay warbixintiisii uu
March 14 u gudbiyay Golaha Ammaan ee Qaramada Midoobay, balse
Madaxtooyada Somaliland ayaa warkaas si adag u difaacday oo ku
tilmaantay mid aan waxba ka jirin. Hase yeeshee hadalkan Madaxweyne
Riyaale ayaa u muuqda mid uu imika uun ku baraarugay kadib markii ay
Golaha Ammaanku ogolaadeen in ciidamo Qaramada Midoobay leedahay la
geeyo dalkii laysku odhan jiray Somalia oo ay qorshaha ugu jirto xataa
Somaliland, waxaanu Riyaale ugu baaqay Qaramada Midoobay inay kala
gartaan labada dal ee Somaliland iyo Somalia, waxaanu yidhi: “Waxaan
maqlaayay UN-ta oo leh Soomaaliya Ciidamo hala keeno, fariinta halkan
uga dirayaana waxa ay tahay UN-ta iyo beesha Caalamku waa inaanay iska
indho tirin xaqiiqada dhabta ah ee taala, oo laba dal oo la kala
yidhaahdo Soomaaliya iyo Somaliland ayaa jira, oo midna yahay dal jira
oo dimuqraadi ah oo shaqaynaya, midna dal baaba’ay, anaga oo rajaynayna
in Illaahay dhibaatada ka saaro maadaama ay jaarkeena yahay, beesha
caalamkana waxay ummadani xaq u leedahay ayaanu weydiisanaynaa inaanu ka
helo. Ciidamada la keenayaana nama saamayn doonaan, waxaanan idiin
sheegayaa in ay Xukuumaddeenu ka hawlgali doonto, oo aanay saameyn inagu
yeelanayn ee ay arrimahaasi koonfurta khuseeyaan.”
Burco
Isu-soo-bax ballaadhan oo lagu xusayay munaasibadda sannad-guuradii
17aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay
xornimadeedii ee 18-ka May ayaa shalay ka dhacday magaalada Burco,
waxaana isu soo baxaa isugu baxay kumanaan dadweynaha reer Burco ah.
Munaasibaddan oo ahayd mid markii ugu horeysay ee ay tirada intaas
le’egi oo dadweynaha reer Burco ahi isugu baxaan xuska maalinta 18-ka
May, ayaa waxa dadweynaha kala qayb-galay munaasibaddan ka sokow madaxda
degmada iyo kan gobolka Togdheer, masuuliyiinta sar-sare ee xisbiga
KULMIYE oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbigaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo),
gudoomiye ku-xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, gudoomiye ku-xigeenka 2aad
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, Afhayeenka xisbiga Maxamed Kaahin Axmed
iyo xubno kale. Sidoo kale waxaa iyaguna ka qayb-galay munaasibaddaas
gudoomiyeyaasha gobolka Togdheer ee xisbiyada UCID iyo UDUB.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin) ayaa waxa
uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay munaasibadan ballaadhan ee ay
dadku sida weyn ugu soo baxeen taas oo uu sheegay guud ahaan marka laga
yimaado Somaliland ay gobolkan xusuus gaara ugu taalo oo uu yahay
gobolkani 17 sano ka hor halkii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madax
banaanida Somaliland. Waxa kale oo uu xusay in ay bulshada reer Burco ay
maanta qiimo gaara u sii leedahay sababta oo ah buu yidhi “waxa halkan
fadhiya oo dabaaldega saaka inagala qaybgelaya mujaahid weyn oo ka mid
ah raggii dalkan xoreeyay.”
Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya khilaafyada siyaasadeed ee waayadan
danbe taagana waxa uu yidhi: “Xaaladda dalku waxa ay maraysaa meel
wanaagsan arrimaha siyaasadda ee laysku hayana ma aha kuwo dalka wax
yeelaya waayo nin waliba dalka waa ilaashanayaa inaguna waxa aynu kaga
wacannahay dadyowga kale wada hadalka ayaynu isku afgaranaa.”
Waxa kale oo uu gudoomiyaha Togdheer dhaliil kulul u soo jeediyay
Hay'adaha samafalka iyo NGO-yada oo uu ku tilmaamay in ay waxqabadkii
muhiimka ahaa kaga meeraystaan waxyaabo macno-yar, xayirayana quruxda
Somaliland, waxana uu isagoo arrintaa sharaxaya yidhi: “Waxa aynu
maqalaa oo aragnaa Hay'adaha iyo NGO-yada oo in badan shaqo ka dhigtay
gudaha hablaheena sida gudniinka fircooniga oo ay meel walba la taagan
yihiin, kuwo kale ee ka hadlaya xuquuq miyaanay ahayn xuquuq ay meel
kaga dhacayaan gudaha hablaheena ee ay sheegayaan waa maxay xuquuqda ay
inooga hadlayaan teeni ayay hortaagan yihiin, hadday xuquuq u doodaan
maxaa laynoo aqoonsan waayay oo dadkan xuquuqdooda loo hortaagan yahay
caalamka waxa aanu ka baryaynaa in ay xuquuqdeena ina mariyaan oo ina
aqoonsadaan hadday xuquuq dhawrayaan.”
Ugu dambayna Badhasaabku waxa uu bulshada kula dardaarmay in ay
ilaalilayaan nabadgelyada iyo horumarka.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo isna
halkaas khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay qiimaha ay maalintani
leedahay iyo halka ay xaaladda dalku marayso waxana uu sheegay in ay
maalintani tahay mid ku weyn bulshada Somaliland waxana guud ahaan dadka
reer Somaliland ugu baaqay in ay dhawraan wada jirkooda iyo ilaalinta
qaranimadooda, waxana uu xusay in ay dareen weyn u leedahay maalintani
oo ah 17-guuradi la soo noqoshada madaxa banaanida iyo goobta oo ah
halkii lagaga dhawaaqay, isagoo Axmed Siillaanyo sheegay in ay soo
dhowaynayaan wax kasta oo dalkan uu ku jiro horumarkiisa iyo
deganaantiisu.
Axmed Siillaanyo mar uu ka hadlayay dhinaca siyaasaddana waxa uu yidhi:
“Anagu waxa aanu jecelahay in lagu tallaabsado horumarka iyo
dimuqraadiyadda si dalkani aqoonsi u helo. Sida aad la socotaana dhawr
goor ayay doorashooyinku dib inooga dhaceen 15/5/2008 waa waqtigii aanu
sheegaynay wixii ka dambeeya in aananu aqoonsanayn Madaxweyne-nimada
Daahir Rayaale balse hadda waxa noo socda wada hadal waxaanuna jecelahay
oo illaahay ka baryaynaa in aynu arrimaheena is afgarad ku dhamaysano.
Runta in laga warwareego ma aha ee dimuqraadiyadeena waxa ku yimi
hantaaqooyin weyn balse ma yeeli doono in ay hantaaqo ku timaado
mustaqbalkeena.”
Dr Cabdi Aw Daahir oo isaguna halkaas kelmado kooban ka jeediyay ayaa
waxa uu ku dheeraaday taariikhda ay maalintani leedahay iyo halganadii
ilaa 1960 ee kala danbeeyay kuwaas oo uu sheegay in aynu soo maray
halgano dhaadheer balse loo baahan yahay in aynu kaalintoodii buuxino.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu intaa ku daray in ay dawladii Somaliland soo
marta ee ugu tayada fiicnayd ay ahayd tii 1997 taas oo uu sheegay
wakhtigaa la soo dhisay dawlad tayo leh oo ay ka buuxan dad xula oo
aqoon lehi. Waxa kale oo Dr. Cabdi Aw Daahir Sheegay inay Xukuumadda
maantu dedaashay balse aad moodo in ay awoodeedii ku soo ururtay Udub-ka
oo hareeri ka darooray balse ay iyagu haddii Alle yidhaahdo ay daroorta
ka biin doonaan oo ay kebdo saari doonan.
Waxa iyaguna kelmado kooban halkaa ka jeediyay gudoomiyaha Xisbiga UCID
ee gobolka Togdheer Cismaan Afgaab iyo gudoomiyaha UDUB ee gobolka Mr
ayaanle iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay duqa magaalada Burco
Maxamud Axmed Xasan (Dhegolaab) kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyay
qiimaha ay maalintani leedahay.
Boorama
Sidoo kale, dabaal-dega munaasibadda 18-ka May ayaa shalay Boorama looga
dabaaldegay, iyadoo uu munaasibaddan kala qayb galay Guddoomiyaha
xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali waraabe, Guddoomiyaha gobolka
Awdal, Maxamud Sh. C/laahi Cige, xubno ka tirsan Golaha Guurtida,
masuuliyiinta Golaha degaanka Boorama, Salaadiin, Cuqaal iyo
marti-sharaf kale.
Guddoomiyaa Faysal Cali Waraabe oo isagu xafladdan soo gebogebeeyey ayaa
khudbad uu jeediyey waxa uu ka warramay marxaladda dal, khilaafaadka
jira, ka ee dhinaca siyaasadda wada-hadalada u socda axsaabta mucaaradka
iyo dawladda, iyo hadallo kale oo uu dadweynaha Somaliland kaga
codsanayo inay xisbiga UCID taageeraan, haddii ay UDUB isku garanwaayaan.
Waxa kale oo guddoomiyaha UCID si aad ah ugu weeraray khudbaddiisa
Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle. Hadaladii Faysal
halkaa ka jeediyeyna wax ka mid ahaa: "Waxaan marka hore salaamayaa
dadweynaha reer Somaliland madaxweynaheeda iyo gaar ahaan magaalada
Boorama oo ah magaaladii aan ku soo barbaaray. Waxan mar labaadka idinka
raalligelinayaa hadalo dhawaan lagu baahiyey oo la iga soo xigtay inaan
suldaan reer Boorama ah wax ka sheegay. Midda kale marwadu way naga
mudantahay ixtiraam, qofkii looga ergeyn lahaana ma ihi Hudda. Waa ina
adeertay, laakiin waan idiin sheegaynaa nasteexo ayaan isku leenahay oo
ii sheegtaan waxa suuqa laga leeyahay, oo weliba reer Nuur ii sheegaa,
xaalna waan idinka siiyey, waxan odhan lahaa Hargeysa casharro haka
qaataan sida reer Boorama u nidaamiyaan munaasabadan oo kale.
Siyaaradiibaan idiin imi, maalmaha khayrka lehna inaan imaado ayaan
jeclahay. Somaliland waxa baylihiyey dadkii lixdankii Somaliland bixiyey,
waxana garanweynay waxay Djibouti garatay, balse waan soo ceshannay.
Haddii aan isqabqabsanno ninkaan gacalka nahay ee Djibouti ka madax ahi
wax uu inoo tari iska daayoo hubbuu iskugu keen dhiibi, annaga hannooga
biqina, madaxweynahana intaad nagu leedihiin isagana ku yidhaahda,
middida daabkeeda isagaa hayee ha dabciyo hana ka xanaaqina markaan la
xisaabtamaynno, sababtoo ah Somaliland oo dhan baa dooratay. Markaan
doodaynana dagaal dhici maayo, sharcigaan isku qabsanaynaa. Rayaale uma
cadaadinayo waa reer Awdal, laakiin xilkiisaan dhaliilaynaa. inaan
dulmino ma doonaynno isaguna yaanu na dulmin. Nin suxufi ah oo halkan
jooga baa igu yidhi Faysal malaha Madaxweyne-nimo ma doonayo 2003diina
isagaa siiyey Rayaale, uma eexanne waan u hanneeyey. Waxaan doonaynaa
khayraadka inaan la soo baxno oo aan dhisno dekedda Lughaya, tan iyo
Saylac. Diinta islaamkaan ku shaqaynaynaa, laakiin maaha in macnaheedu
inaan leenahay Addis Ababa ayaan qarxinaynaa, ama New York baan bam
garanaynaa ee waxa weeye Somaliland baan dhisaynaa ku dhaha, meesha
keliya een ku arkay isbeddel waa Boorama, saddexdaa daarood ee dhaadheer
iyo laamigaasi ma jirin. Idinku magaalooyinkiina ayaad dhisataan, reer
Ceerigabo Hargeysay dhisaan, reer Burco Hargeysay dhisaan, idinkuna
magaaladiina ayaad dhisataan. Midda kale haddii madaxweynaha aan la
xisaatanno oon qabsanno haka cadhoonina, sababtoo ah Madaxweynaha
Somaliland oo dhanbaa dooratay, la hadla oo wax u sheega, hana nooga
baqina Somaliland inaan wax yeelo, waanan dhaliilaynaa madaxweynaha.
Waxa la yidhaahdo kolba dhinacbaad raacdaan haddaad UCID tihiin, annagu
waxaanu raacnaa hadba ninka runta u dhaw ama xaq u dhaw.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa kale oo
uu aad ugu dheeraaday sida Djibouti iskugu mashquulisay heshiisiinta
Soomaaliya, “waxaanu leenahay abaalkaanu kuu gallay noo gud” ayuu yidhi.
Faysal oo ka hadlaya arrimaha muranka siyaasadeed ku keenay Somaliland
iyo halka wax marayaan ayaa yidhi "Bisha labaatankeeda ayaan
ballansannahay, qodobada taaganna aan saarno sidii doorashooyin xaq oo
xor ahi u dhici lahaayeen. Waxa ka mid ah diiwaangelintii oo ay diiddan
yihiin xisbiyada qaar ka mid ah, time-line in la sameeyo labadaa ayaa
ugu muhiimsan. Tan 15-ka May waa la soo dhaafay, muranna kuma jiro inuu
xilkiisii dhammaaday, muran kuma jirin inay dawladdu dib u dhigtay,
waxayna ka mid tahay uun waxyaalaha aanu dawladda ku cambaaraynaynno.
Dawladda UDUB way dhammaatay, 20-ka bisha waxaanu leenahay halla eego in
madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu la guuro time-lineka, dhaar ma u
baahan-naynaa. Shan sanadood ayaa la dhaariyey, isagay u fiican tahay,
ma u baahan tahay in dawlad cusub la sameeyo, wayna dhammaanaysaa,
waxaanse leenahay 15-ka markay dhammaato wakhtigiisu waxan leenahay waa
gudoomiye xisbi (chairman).”
Sidoo kale waxa isna munaasibadda dabaaldega halkaasi ka hadlay
Guddoomiyaha gobolka Awdal, Maxamuud Sheekh C/Laahi Cige, isagoo
khudbaddiisu ku koobnayd arrimo u badan mahadcelin iyo ilaalinta
nabadgelyada waxaanu yidhi "Maanta waa maalin qiimo u leh guud ahaanba
dhulka Somaliland, iyadoo la ogyahay sida geesinimada leh ee Madaxweyne
Rayaale Somaliland qarannimadeedii usoo dhammaystiray. Intaa kaddib
waxan u mahadcelinayaa cid kastoo soo qabanqaabisay xafladdan qiimaha
leh, gaar ahaan golaha degaanka Boorama, oo isagu in muddo ahba ku
hawlanaa sidii maanta loo soo bandhigi lahaa xafladdan quruxda badan leh.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Kusimaha maayarka Boorama Muumin
Gadiid Cumar, isagoo gudoomiyaha goluhu wax ka taataabtay sida mar walba
loogu baahanyahay in la ilaaliyo nabadgelyada, dadweynaha iyo maamulka
golaha degaankuna wax ka qabtaan arrimaha horumnarinta magaalada.
Munaasabaddan shalay waxa kale oo ka hadlay xubno isugu jiray salaadiin,
ay ka mid yihiin suldaan Ibraahim Dacar, suldaan Cabdi Jaamac dhawal,
xubno ka tirsan Golaha guurtida, iyo wakiillo ku hadlay magaca ururka
haweenka ee Gobolka Awdal, Xaawa Rooble Cidheere.
Munaasabaddan ayaa dhinaca kale waxa lagasoo jeediyey gabayo iyo suugaan
kale oo lagu muujinayo qiimaha maalintani u leedahay dalka iyo
dadweynaha Somaliland.
Ciidamada kala duwan ee ka hawlgala degaanka Boorama ayaa iyaguna salaan
sharaf ay siiyeen maamulka gobolka iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, iyagoo
socod gaaddo ka ciyaar ahna ku soo bandhigay madashaas ee lagu xusayay
munaasibadda 18-ka May, kuwaas oo dadweynihii goobta joogay ay aad u
jeclaysteen.
Munaasabaddan ayaa dhinaca kale waxa ka hadalkoodii cidhiidhi la geliyey
Madax iyo masuuliyiin xisbiga Kulmiye ah kaddib markii lagu oriyey ninka
musharax mansabka Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ah, Ismaaciil
Muumin. Inkastoo Ismaaciil Muumin Aare makarafoonka qaatay wax yar ka
hor markii xafladda uu soo gebogebeeyey Gudoomiyaha UCID, balse markii
uu laba kelmadood sheegay uun ayaa laga bakhtiiyey makarafoonka.
Sidee
Looga Dabaal-degay Munaasabadda 18-ka May Gobolada Iyo Degmooyinka
Dalka? |
Ceerigaabo, Laas-caanood, Gabiley iyo Berbera, May 19, 2008 (Haatuf) –
Gobolada Sool, Sanaag, Saaxil iyo degmooyinka Gebilay ayaa maalintii
shalay si weyn looga xusay maalinta 18ka May oo ku beegan xuska sanad
guuradii 17aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madax banaanida
Somaliland.
Meelaha laga xusay munaasibadan 18ka may waxa ka mid ah Magaalooyinka
Gebilay,Wajaale, Ceerigaabo iyo Laascaanood waxa dadweynaha kala qayb
galay maamulka Gobolada iyo degmooyinkaas.
Ugu horeyn Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka SOOL Waxaa shalay
laga xusay xuska 18ka May ee gooni isu taaga Somaliland iyadoo xuskani
ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta kala duwan ee heer Gobol iyo mid
Degmo ee Gobnolka Sool ee Somaliland.
Xuskan ayaa waxa uu ku bilaabmay jawi aad u degan waxaana ka qayb qaatay
dadwayne aad u tieo badan kuwaas oo watay baabuur iyo calamada
Somaliland iyo waliba astaamo ay ku muujinayaan halku dhigyo ay ku
taageerayaan gooni isutaaga Somaliland iyo mawqifka ay ka qabaan kuwaas
oo hadaldaaaasi ay kamida haayeen ‘waa muqadas gooni isu taaga
Somaliland iyo hadalo kale’.
Shacabkii ka qayb qaatay munaasibadan ayaa waxa ay socod ku mareen wadad
dheer ee dhexmarta bartamaha magaalada Laascaanood waxaana ay socodkooda
ka qaadeen dhinaca Galbeed ee magaalada oo ay ku yaaliin inta badan
xafiisyada Dawlada Somaliland ayna ku tageen dhanka Barri gaar ahaana
Hotel Xamdi.
Dadkii maanta ka qayb qaatay munaasibadaasi sida wayn looga xusay
Gobolka ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen dhanka Galbeed ee magaalada
gaar ahaana xarunta guriga Gobolka halkaas oo laga soo jeediyay khudbado
kal gedisan oo ay soo jeediyeen masuuliyiinta Somaliland una jeedinayeen
shacabka reer laascaanood.
Sidoo kale maayarka magaalada Laascaanood Canbaashe aw Daahir ayaa
halkaasi waxa uu ka jeediyay khudbad uu ku xusayo sanadguurada 17aad ee
gooni isu taaga Somaliland waxaana uu yiri ‘waxaan aad ugu faraxsanahay
sida wayn ee reer Laascaanood ay uga qayb qaateen xuskan sida wayn looga
xusay dhamaanba Gobolada Somaliland waxaana halkan aad ku muujiseen sida
aad utihiin shacab Somalilandres ah taas oo keenaysa isdhexgalka reer
Somaliland’.
Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool
Cali Maxamuud Axmed waxaana uu ugu horayn qudbadiisii ku bilaabay amaan
uu usoo jeediyay dadka shacabka waxaana uu sidoo kale uu hadaladiisii
kamid ahaa in dhalinyarda reer Laascaanood ay dugsiyada sare iyo
Jaamacad ay ku dhigan doonaan bilaash isagoo dhan kalena xusay in
Xisbiyada Kulmiye iyo UCID aysan kasoo qayb galin munaasibadan iyadoo
inta badan shacabkii halkaasi kasoo qayb galay ay siteen calaamado ugaar
ah xisbiga UDUB taas oo ay u soo iibiyeen Masuuliyiintii xukuumadda ee
soo abaabushay hawshan xuska 18 ka May.
Dhanka kale Degmada Gebilay Munaasibada xuska 18ka may oo lagu qabtay
fagaaraha Khayriyada Gabiley oo ay ka soo qayb galeen wasiiro,
xildhibaanada golaha wakiilada iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha ku
dhaqan deegaanka Gabiley oo halkaasi ku jeeni qaaraa Calanka Somaliland
iyo dharka Hidaha iyo Dhaqanka oo xuskaasi kusoo bandhigay Maanso iyo
Ciyaaro ku jihaysan xuska 18ka may, hasa yeeshee masuuliyiinta sadexda
xisbi KULMIYE, UCID, iyo UDUB ee degmada Gabiley ayaa iyagu Munaasibad
lagu xusayey 17guuradii kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay gooni isku
taaga Somaliland 18kii May 1991kii oo shalay lagu qabtay caasimada
gobolka Gabiley ee degmadaasi, ayaa si kulul mudaneyaasha mucaaridka ee
golaha wakiilada iyo maamulka golaha deegaanka ay iskugu waydaarsadeen
weedho kulul oo difaac iyo weerar isugu jira munaasibadaasi ka hadal
taasoo la sheegay in maayarka degmada Gabiley Xuseen Jameeco ka hor
joogsaday inay fagaarahaasi ka hadlaan.
Ugu horayn waxaa munaasabadaasi 18ka may ka hadlay xoghayaha arimaha
dibada xisbiga Kulmiye Dr Axmed Xuseen Ciise oo isagu dadweynaha reer
Gabiley shalay khudbad uga jeediyey fagaaraha khayriyada ayaa sheegay in
Gabiley tahay deegaan khayraad balaadhan leh isla markaana u qalanta
Gobolnimada loo magacaabay “ waan ku faraxsanahay inaan idinkala soo
qayb galo xuska munaasibada 17 guurada ka soo wareegtay gooni isku taaga
Somaliland oo ah madfacii 17-aad ee ku dhaca cadawga Somaliland runtii
gobolnimada loo magacaabay degmada Gabiley waa gobol kharaad balaadhan
alle ku manaystay oo deegaan balaadhana ku fadhiya iyadoo ka mida
gobolada ugu khayraadka iyo dakhliga badan gobolada dalka ka kooban
yahay waxaa loo baahan yahay in gobolkan Gabiley horumar balaadhan la
gaadhsiiyo Jaamacado, Cusbitaalo iyo guudahaanba adeegyada bulshada hore
loo mariyo, siyaasiyiin, xildhibaano, ganacsato iyo guud ahaanba
shacbiga gobolka Gabiley meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in
horumarka gobolka Gabiley meel qudha looga soo wada jeesto oo leysku
tashado.”
Mudane Ibraahin Axmed Haybe oo isaguna ka mida xildhibaanada golaha
wakiilada ee laga soo doorto Degmada Gabiley oo isaguna ka Hadley
munaasibadaasi 18ka may ayaa yidhi “gobolnimada Gabiley waynu u
baahanahay waxaase muhiima inaynu hanano loolanka siyaasada ee asxaabta
dalka ka dhex aloosani maaha kuwo qaranimada iyo amaanka lagu duminayo
ee waa loolan lagu kala riixanayo hanaanka iyo horumarka dalka, maalin
dhawayd waxaa warbaahinta dawlada ee caasimada laga waday ololayaal la
leeyahay reer barigu haka baxaan Hargeysa arintaasi arin fool xun bay
ahayd oo ceeb ku ah shacabka Somaliland, hadii Ceerigaabo cadow soo
weeraro reer Somaliland fadhiyi maayaan ee waydin gurmani, sidaa darteed
reer Somalilnd ma kala sheegan karaan gobolada dalka waana xaaraan.”
Maxamed Yaasiin Sh. Cali oo ka mida mudaneyaasha golaha wakiilada
xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaqa isaguna sheegay in
magacaabida gobalnimo ee Gabiley la sugayey muddo sodon sanadooda isagoo
intaa ku daray in shuruudihii gobolnimada lagu ansixin lahaa buuxiyeen
“waxaa ii sharaf ah in munaasibada 18ka may kaga soo qayb galo Gabiley
oo gobola waxaanan qabaa in gobolka Gabiley yahay gobol shuruudihii lagu
ansixin lahaa buuxiyey hadaanu golaha wakiilada nahayna waxaan idiin
balan qaadaynaa inaanu ansixindoono gobolnimadiina oo aanu u aragno in
uu yahay gobolka ugu dhaqaalaha badan dalka”
Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo isaguna ka mida mudaneyasha xisbiga
UCID ee laga soo doorto Gabiley ayaa isaguna sheegay in gobolnimada
Gabiley ay ka dhimantahay sugitaankii xuduudihii u gaarka ahaa
deegaanada hoos yimaada sidaa darteed maamulka golaha deegaanka si wayn
ugu eedeeyey dib udhaca Xafladii gobolka loo qaban lahaa oo uu sheegay
in dariiqyo qaldan loo maray dhaqaalihii lagu qaban lahaa, gobolnimada
Gabiley waa mid dhantaalan hadii aan xuduudkii la sugin farxada
dadweynahana way sii dhantaalantahay.”
Xasan Cawaale Caynaan oo isaguna ka mida mudaneyaasha wakiilada xisbiga
Udub ee Gabiley laga soo doortay ayaa sheegay in dagmada Gabiley ay
dhawr iyo toban sanno ah ay haysatay maqaam ku meelgaadha oo gobolnimo
lana tilmaami jiray lixda gobol iyo Gabiley.”
Marwo Safiya Aadan Meecaad oo ka mida haweenka reer Gabiley ayaa iyaduna
si kulul ugu dhaliishay golaha deegaanka Gabiley waxqabad la’aanta
xustayna dayaca ka muuqda adeegyadii bulshada iyo Jidadaka magaalada.
Dhinaca kale maayarka degmada Gabiley Xuseen Maxamuud Jameeco oo isaguna
munaasibadaasi ka 18ka may khudbad kooban ka soo jeediyeye ayaa dareen
cadho leh iyo jawaab kulul ka bixiyey eedihii mudaneyaasha wakiilada ee
mucaaridku uga soo jeediyeen dibu dhaca xaflada gobolka Gabiley iyo
duruufafha ku gadaaman magacaabida gobolnimo, waaxana uu yidhi “runtii
in nala canaanto maamul ahaan ma diidanin oo waanu ogolnahay xafladii
gobolka Gabiley dhawaan ayaanu qabanaynaa, xafladaha la qabtayna way ka
balaadhan tahay ta Gabiley marka loo eego darisnimada caasimada iyo
bulshada ka soo qayb galaysa.
Sidoo kale Tog-Wajaale Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku nool
tuuladaasi ayaa saaka munaasibada maalinta qarannimada Somaliland ee
18-ka may u xusay si ka duwan sidii looga dabaal degay magaalooyinka
kale ee dalka, waxaa subaxdii hore dadwaynaha oo isugu soo baxay meel
fagaara ah waxay qaarkood ku dabaal dagayeen koox farda ah oo gaashaaman
iyo dhalin yar aad u tiro badan oo ku labisnaa dhar laga tolay suurada
calanka somaliland, gudoomiyaha degmada wajaale qawrax muuse oo dad
waynihii halkaa isugu soo baxay halkaa kala hadlay ayaa sheegay inay
Tog-wajaale tahay meel madax banaanideeda degmonimo maanta dhamaystiran
tahay, mar hadii dakhligeediiba gaar looga dhigay waxaa kale oo isaganu
fagarahaa ka hadlay midka mida odayada wajaale hadaladiisiina waxaa
kamid ahaa:
“Adeer maanta cidna ugu habran mayno halkan wixiinagu soo marayna nin
waliba wuu garanayaa inta nin badrool lagu shubay ayaa dabna laqabad
siiyay awrka iyo biyaha la isku sido ayaa la isku karsan jiray xoogbaanu
ku qabsanay oonu kaga xorownay:
Sidaa waxaa yidhi cabdi saleebaan xasan oo kamida odayaasha degmada tog
wajaale, waxaa kaloo isaguna kamid ahaa odayada halkaasi kahadlay
cismaan miigane suldaan oo sheegay taariikhda tog wajaale iyo waxay kaga
duwan tahay magaalooyinka kale waxaa kaloo isna halkaa kahadlay
xildhibaan Ibraahin Xasan Axmed sangal oo katirsan golaha degaanka ee
degmada gabiley.
Xuskan maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka may waxaa dadweynaha
kunool magaalada wajaale looga dareemayay si qiiro iyo xamaasad weynleh
iyadoo aan munaasibad noocan oo kale ah aan hore looga xusin sababta ay
xuskan weyn maanta u sameeyeen waxa weeyi laba arimood oo kala ah
Dakhliga kasoo baxa cashuuraha wajaale oo xor looga dhigay kadib markii
dhawaan loo magacaabay degmada iyo tog wajaale dhinaca ethiopia oo
maalita qaranimada dalkaasi ee hayaa gunbood layidhaa si weyn loo xuso
lagana dareemo tog wajaale guud ahaanba waxayna dadweyna reer wajaaloo
aad u faraxsani kuusheegayeen maanta in xuska 18ka may ee sanadkani uu
ka saxmad badan yahay xusaskii hore, iyo kii hayaanka gunbooda
qaranimada tog wajaale ee Ethiopia.
Sanadihii hore xuska 18 may inay jirtay iyo inkale mabaanu ogayn oo
dakhligoo dhan waxaa lagayn jiray Gabiley, sidaa waxaa yidhi maxamud
sheekh oo ka mid ah dadweynaha tog wajaale.
Dhinaca kale waxaa kaloo tog wajaale si weyn looga dareemayay xiisada ka
taagan arinta dakhliga tog wajaale gaarka looga dhigay oo maayirka
gabiley si weyn u diidan yahay waxaanay dadku aad uhadal hayeen arintan
dakhliga Tog Wajaale.
Sidoo kale Gobolka Sanaag Magaalo madaxdiisa Ceerigaabo, Munaasabad si
weyn loosoo abaabuley oo la odhan karo waxay ahayd mid dhawr maalmood oo
hore lagu soo hawl-lanaa looguna talogalay xuska 18-ka May ayaa maanta
waxa lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo (Noura
Garden).
Munaasabaddan oo ay soo abaabuleen maamulka degmada Ceerigaabo ayaa waxa
kasoo qayb galay madaxda xukuumadda heer gobol iyo degmoba, shaqaalaha
laamaha kala geedisan ee dawladda, ururrada bulshada rayidka ah
fannaaniin reer Sanaag ah oo iyaguna heeso cusub halkaas kusoo bandhigay
madax-dhaqameedyo iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo iyaguna isugu
jiray qaybaha kala geddisan ee dadweynaha waxaana cid kastaba gaarkeeda
ka muujisay calaamadaha iyo halkudhegyada gaarka u ah iyo weliba farxad
iyo rayrayn dheeraad u ah maalintan weyn ee 18-ka May.
Munaasabaddan oo ugu horrayn uu ka hadlay Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil
X. Nuur Faarax ayaa isagoo mahad balaadhan u jeediyey
guud ahaan ka soo qaybgalayaasha munaasibaddan gaar ahaanna fannaaniinta
reer Sanaag ee heesaha waddaninnimada cusub halkaas kusoo bandhigay
Sidoo kalena inbadan ka hadlay taariikhda xuska iyo sida ay ku timid
maalintan 18-ka May ayaa waxa hadalladiisi kamid ahaa “Dhibaatadii ka
dhacday dalka kaddib 26-June 1960 qiiradii aynu ku guuldarraysannay oo
ahayd 5-tii Soomaaliyeed aynu isla baadi doonnay markii aynu ku waayo
aragnay ayaa waxaynu heshiis reer Somaliland u dhan yahay Seylac ilaa
Weylo ku gaadhney Burco 18-May 1991-kii halkaas ayaa waxa ka dhalatay
26-kii Juun in ay isu beddeshey 18-ka May oo aynu xorriyaddeenna lasoo
noqonnay had iyo jeerna waxaan maqlaa qaar yidhaahda annagu heshiiskaas
kuma jirin taasina waa waxba kama jiraan”. Isagoo ka hadlaya khilaafkii
axsaabta ee dhowaan oo dadweynuhu u dhega taageenna Maayorku wuxu yidhi
“Khilaafkii dhowaan ee xukuumadda iyo axsaabta waxan mahad ballaadhan
ugu jeedinayaa sida ay ka yeeleen axsaabta qaranku waxadna ogtihiin mar
kasta oo khilaaf innasoo dhexgalo axsaabta qaranku dadkooda iyo
dalkoodaba waa rabaan oo wax kastana sida wanaagsan ayay ka yeelaan
waana dhaqankii la inooga bartay haddaynu reer Somaliland nahay”. Ugu
danbayn dhinacyada abaarihii dhowaan gobolka soo maray iyo sicir bararka
iyo arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta isagoo ka hadlayana wuxu yidhi
“Sannadkan abaaro iyo sicir barar adag ayaa innasoo maray waxana hoos u
dhacay dhaqaalihii iyo cashuurtii dadweynaha laga rabay weliba waxa jira
xanuunnada shubanka oo meeelo gobolkeenna kamid ah (Dhahar) ka jira
sidaas darteedna waxan idinkula dardaarmayaa nadaafadda oo aad
ilaalisaan si cudurradaas looga hortago iyocashuurta oo aad bixisaan si
horumarkeennu usii socdo weliba haddii aad cashuurta si wanaagsan u
bixisaanna waxan idiin allan qaadayaa mashaariic horumarineed oo dhowaan
laydiin samayn doono”.
Chief-Caaqil-Axmed Kullikulli oo isaguna madax-dhaqameedyadii
fagaarahaas ka hadlay kamid ahaa ayaa waxa hadalladiisii kamid ahaa
“Waxan dadweynaha reer Sanaag si gaar ah ugu mahad celinayaa khilaafkii
axsaabta iyo xukuumadda ee dhowaan oo aynaan ku milmin taasina waa
qiimaha aynu ognahay inay inoogu fadhido nabadgelyada aan cidina inaga
taageerin ee aynu gaarkeenna u heshiinney Somaliland-na ilaahay ayaa
ilaashanaya, dadweynahana waxan kula dardaarmayaa ilaalinta nabadgelyada.”
Maaddaama uu yahay Madaxa Hay’adda Bisha-cas ee gobolka Sanaagna isagoo
xagga caafimaadka ka hadlaya wuxu yidhi “Dhahar inkastoo hay’ado badani
ka hawl galeen haddana waxa shubanka ugu dhintay dhawr iyo toban qof
arrintaasina waxay u baahan tahay inaynu ka feejignaanno oo ilaalinno
nadaafadda sidoo kalena ciddii lagu arko xanuunkaas waa in si degdeg ah
loo soo wargeliyaa xarumaha caafimaad iyo hay’adaha ku shaqada leh sida
MCH-yada iyo Cusbitaalladaba”.
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna
halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Marka hore dadweynihiinna halkan isugusoo
baxay iyo guud ahaanba reer-Sanaag waxan salaam hambalyo oo kusaabsan
18-ka May idiinka sidaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md-Daahir
Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne kuxigeenka JSL Axmed Yuusuf Yaasiin waxan
kaloo idinku hanbalyaynayaa sida aad isugusoo baxdeen oo usoo
bandhigteen una muujiseen dareenka shucuureed ee xuska maalinta 18-ka
May ee manta aynu halkan ku xusayno oo ah 17 guuradii goonni idu taagga
Somaliland”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Waxan
idinku boorrinayaa ilaalinta nabadgelyada iyo isku duubnaanta si aan
waxyeello loo gaadhsiin nabadgelyadeenna iyo madaxbannaanideenna 30-sano
kaddib aynu la soconno sidii aynu ulasoo noqonnay iyadoo aan cidina
innaka maqnayn 18-kii May ee 1991-kii oo ah tan maantana looga
dabbaaldegayo dhammaan meel kasta oo dalkeenna Somaliland ah”.
Dhinaca kalena Guddoomiyaha UCID ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur
oo kamid ahaa madaxdii fagaarahaas ka hadashay iyo weliba Isuduwayaasha
Waxbarashada Caafimaadka iyo Arrimaha qoyska oo iyaguna kamid ahaa
madaxdii laamaha dawladda ee halkaas ka hadlay ayaa ahaa kuwo
dhammaantood muujiyey taageerada iyo taariikhda 18-ka May ee maanta la
isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda Ceerigaabo.
Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil waxa iyana xalay ka dhacday xaflad
lagu xusayay munaasibada xuska 18ka May, halkaasi oo ay dadweynaha kala
hadleen Masuuliyiinta Magaalada Berbera.
Ugu dambeyntii waxa markii ugu horeysay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag
ka dhacday munaasibad lagu xusayay maalinta 18ka May ee madax banaanida
Somaliland.
Hoggaamiyeyaasha Ururka QARAN Oo Jaaliyadda Somaliland Ee Cardiff
Kala Qayb-Galay Xuska 18-Ka May |
Cardiff, May 19, 2008 (Haatuf) – Hoggaamiyeyaasha ururka
QARAN ee socdaalka ku jooga carriga UK, ayaa shalay kala qayb-galay
jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolka Wales gaar ahaan magaalada
Cardiff xaflad ballaan oo loogu dabaal-degayay munaasibadda 18-ka May oo
ah sannadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Soamliland dib
ula soo noqotay xornimadeedii.
Munaasibaddan lagu xusayay 18-ka May oo ahayd mid ka duwan kuwii hore ee
lagu xusi jiray maalmahan oo kale, ayaa jaaliyadda reer Somaliland ee
Cardiff waxay markii ugu horeysay isku af-garteen in ay jaaliyad ahaan
in mucaarid iyo muxaafidba wixii khalad ah ay labada qoloba meel uga soo
wada-jeestaan isla markaana wixii ictiraafka qadiyadda Somaliland wax
yeelayana laga wada fogaado.
Cabdikariin Aadan oo ka mid ah xubnaha firfircoon jaaliyadda Somaliland
ee gobolka Wales, ayaa Haatuf u sheegay inay isku afgarteen ka jaaliyad
ahaan arrimo muhiim ah oo uu sheegay inay wax ka tari karaan xidhiidhka
iyo tala-wadaaga ka dhexeeya jaaliyadda ku wada nool gobolka Wales.
“Jaaliyad ahaan markii aanu eegnay mashaakilka ka taagan dalka waxaanu
isku af-garanay in labadayada qolo ee muxaafidka iyo mucaaridkuba wixii
mashaakilaad ah laga doodo oo wixii sharciyad iyo wixii kale ee laysku
hayo cidii khaldan la sheego iyadoo loo dhan, oo aan masalan iyadoo
mucaaridka ama muxaafidku iyagoo badhna ku sax ah badhna ku khaldan aan
la wada odhan way wada khaldan yihiin.”
Xubnaha Jaaliyaddu waxa ay sheegeen inay taas u arkaan in xalka keliya
ee lagaga badbaadi karo ay tahay iyadoo wixii khalad ah meel looga soo
wada jeesto, taasna ay ku dhaqmi.
Sidoo kale, waxay Jaaliyadda reer Cardiff isla qaateen in mararka la
kulmayo dadka danuhu inaga dhexeeyaan dibaddaha in iyadoo wixii la
dhaliilo ah la sheegayo haddana maskaxda lagu hayo arrinta ictiraafka
wixii dhaawacaya ama waxyeelo u geysan kara, isla markaana la ilaaliyo
sidii sumcadda dalka loo dhawri lahaa.
Munaasibaddan lagu xusayay 18-ka May ee ka dhacday magaalada Cardiff
ayaa waxaa dadka la hadlay labada gudoomiye ku-xigeenka
urur-siyaasadeedka QARAN, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid
Ibraahim, waxaanay uga warameen duruufaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee
dalka ka jira iyo qadiyadda sharciyada ururkooda halka ay marayso.
Eng. Maxamed Xaashi isagu ka waramay dhibaatooyinka u muuqda ee maamulka,
sida miisaaniyadda oo dib uga dhacda wakhtigeedii la soo gudbin lahaa,
Hanti-dhawraha oo aan sideedii u hawl-gelin iyo in si aan isu
dheeli-tirnayn loo soo diyaariyo miisaaniyadda, taas oo uu sheegay in
Masalan wasaaradda Maaliyadda kharashka loogu talo-galay inay u
isticmaasho shidaalku ay ka badnaato miisaaniyadda wasaarad dhan. Sidoo
kale waxa uu Maxamed Xaashi ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin
musuqmaasuqa iyo qorshe la’aanta Xukuumadda Riyaale.
Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay sidii
uu ku yimi aasaaska ururka QARAN, asbaabihii ugu muhiimsanaa ee loo
aasaasay, waxaanu sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay arkeen
dhibaatooyinka dalka ka taagan sida shaqo la’aan, horumar la’aan,
kadibna ay isyidhaahdeen haddii talada gacan ku yeelan lahaydeen waxaad
wax ka qaban kari lahaydeen xaga shaqooyin dadka loo sameeyo, isagoo
xusay in markii ay isku dayeen inay sharciyad u doontaan ururkooda inay
kala kulmeen dhibaato farabadan oo geyaysiisay in xabsiga Mandheera lagu
xidho, iyagoo aan helin garsoor dhex ah.
Mar la weydiiyay hogaamiyeyaasha QARAN inay dagaalamayaan haddii la
ogolaan waayo in loo diiwaangeliyo ururkooda, waxay sheegeen inay waxa
ugu horeeya ee ay ahmiyadda saaraan tahay nabadgelyada oo aanay marnaba
ku talinayn dariiq aan ahayn nabadgelyo, balse ay dariiq kastoo sharci
ah u mari doonaan sidii ay xuquuqda distooriga ah u heli lahaayeen.
Waxa kale oo ay sheegeen hogaamiyeyaasha ururka QARAN inay mar walba
iyagu diyaar u yihiin taladooda ka dhiibtaan wixii waajibaadkooda ah
hadday muranada dalka ka jira iyo wixii khilaafaad ah ee soo kala dhex
gala bulshada iyo dawladda dalka ka jirta.
Dhinaca kale, hoggaamiyeyaasha ururka QARAN waxay Sabtidii dorraad sidan
oo kale xaflad lagu xusayay sannadguurada 17aad ee qaranimada Somaliland
kala qayb-galeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada
Bristol ee cariga Ingiriiska, halkaas oo ay sidoo kalena kala soo
qayb-gashay MP Kerry McCarthy oo ah Mudane Baarlamaanka Ingiriiska ka
tirsan oo laga soo doorto magaalada Bristol.
Prof.
Ismaaciil Muumin Iyo Masuuliyiinta Kulmiye Oo Ka Hadlay Sidii Loogu
Diiday Inay Ka Hadlaan Munaasibadda 18-ka May Ee Boorama Lagu Qabtay
|
"Lama Joogo Waklhti La Sacabbiyo” Ismaaciil Muumin.
Boorama, May 19, 2008 (Haatuf) – Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo ah
musharax jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye iyo
masuuliyiinta xisbigaasi ee gobolka Awdal ayaa dareen cadho leh ka
muujiyey sidii looga takooray dabbaaldegga munaasabadda 18 May ee
Boorama lagu qabtay shalay, taas oo ka dambaysay kadib markii loo diiday
inuu ka hadlo munaasibaddaas.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, shir jaraa’id oo uu wax yar kaddib dhammaadkii xafladdaasi
qabtay, ayaa waxay maamulka gobolka Awdal ku eedeeyeen inuu ku kacay
ficillo aan ku wanaagsanayn wada-jirka iyo waanwaanta axsaabta iyo
dawladda u socota, isagoo musharraxaasi iyo masuuliyiintaasiba
shirkoodan jaraa’id ay ku muujiyeen siday arrimahani dhaawac ugu geysan
karaan sumcadda gobolka.
Ismaaciil Muumin oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi: "Maanta [shalay]
oo 18-ka May ah, waxaan ummadda u diraynaa salaan, waxa jirta waayadan,
iyadoo ay nabadi jirto, dastuurkeenna iyo dhaqankeenuna ku dhisan yahay
istixgelin. Guurtidu waxay ahaayeen aasaaskii processkan. Waxa la lahaa
maalmahan waa la is haystaa, waxa la gaadhay wakhtigii sida sharciga ah
la isku qabsana lahaa. wakhti la sacabbiyo lama joogo, wwaa inaan doodno,
waa in la wada hadlo, sacab maaha iyo guulwade Siyaad aan 20 sano ku soo
jirray dadkiibaan ka kari la’nahay sacabbinta iska daaya. Haddaan ku
dirtay inaan shan cisho ii hay ku idhi oo walaalkaa joogo, miyaanay
ahayn inaad iska wareejiso, diktaatooriyad uma baahnin. Dimuqraadiyadda
dadka laga eryeyaa, sidaa wax, jaamacadihiiba jira. Bini aadamku inaan
hore uga sii soconno weeye meeshaan joogno. Sida sharciga ah innagoo
marayna. Waad ogtihiin in saddexda xisbi wadahadal u socdo iyadoo la
tixgelinayo wanaagga dadka iyo dalka, ciidanka waxan si silmi ah ugu
wareejinaynaa kolba kii qabta. Sida maanta gobolka awdal ka dhacday
xafladdiisii, waxaad mooddaa in labadii xisbi ee mucaaradka ah midna la
soo dhaweynayo midna la fogeynayo, oo kolkii la kala dareerayey KULMIYE
loo dhiibay, haddana laga bakhtiiyey, waxaan leenahay dawladdu
caasimadda iyo gobolada waa inay sharci ku wada xukuntaa ee midba kay
doonto aanay ku xukumin loona sinaado axsaabta qaranka. Waxaan ka
xunnahay guddoomiyaha gobolku siduu noola dhaqmay ee isaga aad mooddo in
amar gooni ah la siiyey."
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay wakiilka xisbiga Kulmiye ee G/awdal
Aadan Xaaji Maxamuud Aye, oo yidhi "Waxan leenahay ummadda yaan la
majara habaabin. Sicir bararbaa jira, dad codka laga rabaa waa
masaakiinta aan cidi ogeyn, dawladda waxan odhan lahayn waa inay
cashuuraha ka kabaan dadka, raashinka qiimihiisana hoos loo dhigo.
Shicibkaa dawlad lagu yahay. Xafladii maanta way fiicnayd laakiin
dhaliil bay lahayd, waxay ahayd in kaalinteedii la mariyo xafladdaasi oo
naloo oggolaado. Hadii xisbi hala iska ilaaliyo la yidhaahdo, sidaa kuma
joogsanayo. xisbigana waad mooddaa in la iska celinayo. Waa dad isku mid
ah, nabadda jirta in la ilaaliyo weeye, oo dadka la isku soo jiido.
Maanta waxaynu maraynaa meel aan higsanaynno aqoonsi iyo dimuqraadiyad
taam ah inaan gaadhno, waxaanad moodda in maamulkeenni gobolku sidaa si
ka duwan uu dib innoogu celinayo. Waa waxan ka xunnahay annagoo maanta
dadkeenii Somaliland dhammaanteen aan tusi weynay farxadda 18 May,
sababtoo ah takooridda lagu samaynayo qayb ka mid ah dadweynaha gobolka
ee badhna loo diidayo inay farxaddooda muujiyaan badhna loo oggolaanayo."
Ibraahim Aadan qaalib, kana mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE oo isna
ka hadlay shirkan jaraaid ayaa sheegay Xidhiidhka ka dhexeeyab i kulmiye
iyo maamulku gobolku inuu marayo meel xun. Top
Deeq
Isugu Jirtay Gaadiid Iyo Qalab Oo Ay Bisha Cas Ee Imaaraadku Bixisay
Oo Lagu Wareejiyey Madaxtooyada |
Hargeysa, May 19, 2008 (Haatuf) – Deeq isugu jirta Gaadiid, qalabka biyaha,
mishiino iyo waxoogaa raashin ah oo loogu tala galay dadkii ay abaartu
waxyeelaysay ayaa maalintii doraad ahayd ka soo degtay dekeda magaalada
Berbera, deeqdan oo la sheegay in ay bixisay ururka bisha cas ee dalka
Isu-tagga Imaaraadka Carabta kadib markii uu dhowaan Riyaale booqasho ku
tagey dalkaas.
Gaadiidkan ayaa waxaa ku jira Riig kaas oo uu Madaxweyne Rayaale sheegay
maalintii shalay mar uu ka hadlayey xafladii 18ka May inay biyo dhowaan
ka qodi doonaan koonfurta maaalada Hargeysa kaas oo uu sheegay inuu
hordhac u yahay deeq ay bisha cas weydiisteen markii uu sanadkan
horaantiisii tagey dalka Imaaraadka.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo la socday deeqdan waxa ay hay’ada
Bisha Cas ee Imaaraadku ay ka hirgalin doonaan Somaliland Tobaneeyo ceel
kuwaas oo aan la sheegin meelaha laga qodayo inkasta oo Madaxweyne
Riyaale sheegay in qaarkood laga qodi doono Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo deeqdan ka mid ah raashin loogu talo galay dadkii ay
abaaruhu waxyeeleeyeen kaas oo ay hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadku ay ka
wada socdeen Bisha Cas ee Somaliland oo iyadu u qaybin lahayd dadka reer
Somaliland, hase yeeshee waxay warar xogogaal ahi sheegeen in ay
raashinkaasi ku wareejiyeen Madaxtooyada.
Deeqdan Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay
mucaawanada ay Hay’adaasi siiso Soomaaliya taas oo ay Somaliland
sanadkan waxoogaa uga garoocday ka dib markii uu dhowaan Riyaale
booqashada ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo qar ka mid ah shuyuukhda
reer boqor ay dhawr jeer ugaadhsi u yimaadeen Somaliland kuwaas oo la
sheegay inay iyagu ka danbeeyeen tegitaankii Riyaale ee dalka Imaaraadka.
Gaadiidka
Dadweynaha Hargeysa Oo Xalay Loo Diiday Inay Maraan Madaxtooyadda
Horteeda Cabsi Darteed |
Hargeysa, May 19, 2008 (Haatuf) – Gadiidka kala duwan ee mara wadada weyn
e hormarta Madaxtooyada ayaa xalay fiidkii ciidamada bilaysku ay ka
xidheen gebi ahaanba una diideen inay maraan jidka laamida ah.
id ka mid ah ciidanka Bileyska ee lagu amray in ay jidkaasi ka celiyaan
gaadiidka oo wariye ka tirsan Haatuf oo markaasi saarnaa mid ka mid ah
gaadiidkaasi laga celiyey halkaasi oo wax ka waydiiyey sababta
gaadiidkan looga celinaayo jidkan ayaa sheegay in cabsi laga qabo in la
waxyeeleeyo xaflad lagu qabanaayey xarunta madaxtooyada oo loogu dabaal
degayo xuska sannad guuradda 17-naad ee Somaliland 18/May/2008, sidaa
darteed loogu amray inay celiyaan Gaadiidkii halkaasi mari jiray.
Gaadiidka shacbiga reer Hargeysa ee loo diiday in ay maraan jidkan
madaxtooyada ayaa waxaa ka mid ahaa Basaska rakaabka gura ee u kala
goosha xaafadaha Jig-Jiga yar iy Beebsiga, waxayna arintani dhibaato ku
noqotay dadkii rakaabka ahaa ee deganaa agagaarka madaxtooyada ilaa
gooladda State-house -ka iyo waliba kuwii deganaa xaafada Biibsiga oo
iyagana laftooda haddii ay marilahaayeen madaxtooyada dabadeeda ama
jidka daba mara maxkamada sare loo diiday iyada oo jidkaasina la dhigay
ciidan bileys ah oo celiya Gaadiidka halkaasi mari lahaa, waxayna
arintaasi ka cadhaysiisay dad badan oo arimaha noocan ah ku tilmaamay
shuquladii lagu yiqiinay xukunkiii kaligii taliska ahaa ee Siyaad Barre,
“ waar waxaan oo kale maaha Nabadgelyo ilaalin ee shacabka danyarta ah
cadibaada iyo dhibaatada kala taga” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah
dadka shacbiga ah ee saarnaa Basaska oo markaasi la hadlaayey ciidanka
Bileyska ee halkaasi u diiday gaadiidka in ay maraan “ bal imika
halkeebaan ku xareeyaa Gaadhigayga” sdiaa waxaa yidhi nin watay mid ka
mid ah Gaadiidka laga hor istaagay isgoyska dhinaca Bari ka xiga
madaxtooyada oo isagu sheegay in gurigiisu ku dhaw yahay madaxtooyada,
kuna xaraysan jiray gaadhigiisa gidaarka xayndaabka u ah gurigiisa,
balse loo diiday in uu maro jidkan oo ah jidka kaliya ee uu u mari karo
aqalkiisa, haddaba madaxtooyada Somaliland ayaa xalay lagu qabtay xaflad
loogu dabaal degayo xuska maalinta 18-ka May, haseyeeshee qabashada
xafladaasi waxay sahayatay dad badan iyo Gaadiid badan, ka dib markii
loo diiday in ay iyaga iyo gaadiidkooduba maraan jidkaasi madaxtooyadda
Somaliland. Taas oo badi dadkaasi ay ka yaabisay sababta loogu diiday
jidkan in ay u maraan guryahooda iyo waliba cabsida in taasi leeg ee ay
qabaan madaxtooyadu.
Waxaana dadka isu qaban weyday cida ilaa hadda laga cabsanayo, amase
cida si gaar ah looga baqayo in dhibaato la gaadhsiiyo iyo in xayiraada
intaasi leeg loogu dhibaateeyo bulshada xaflad yar oo lagu daawanayo
riwaayado dariiqa hor mara Madaxtooyada ayaa halay subaxdii hore la
xidhay ilaa iyo intii u Riyaale ka soo noqonayey Fagaaraha beerta
Xoriyada halkaas oo uu kaga qayb galay xuska 18ka May!.
Ciidamo
Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Dhowaan La Filayo In La Geeyo Somalia
|
New York, May 19, 2008 (W. Wararka) – Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay
ayaa sheegay in ciidamo hor dhac ah oo ka socda dalalka Hindiya,Pakistan
iyo Bangaladesh oo hoos imanaya jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ay
dhowaan tegi doonaan dalka Somaliya kuwaas oo haatan lagu jiro qorshihii
lagu geyn lahaa halkaas,sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somaliya.
Qaramada midoobay ayaa dhowaan bilawday sidii ay miisaaniyad ugu heli
lahayd ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Somaliya kuwaas oo hoos
imanaya jimiciyada quruumaha ka dhexeysa si ay wax uga qabtaan xasilinta
iyo nabad soo celinta somaliya oo uu dagaal halakeeyay muddo 17 sanadood
ah si la isugu dayo sidii loo badbaadin lahaa dadka rayidka ah ee
dhibaatooyinku ka soo gaadhen dagaalada aan dhamaadka lahayn ee Somaliya.
Diblomaasiyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qalinka lagu
duugay miisaaniyada ciidamada nabad ilaalinta ee Somaliya oo gaadhaysa
7.4 Billion oo dollar, waxaana bishan dhamaadkeeda la filayaa in la
geeyo cutubyo ka socda Hindiya,Pakistan iyo Bangaladesh.
Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa waxa kale oo ay diyaarinayaan
sidii ay ciidamada loo dirayo Somaliya ay ugu heli lahaayeen tababaro
heer sare ah ka hor inta aan loo dirin Somaliya, waxaana taageerada ugu
balaadhan ee ciidamadan laga filayaa in ay bixiyaan dalka Maraykanka iyo
wadamada reer Yurub, waxaana laga taxadirayaa sidii aanu dib u dhac ugu
iman lahayn qorshaha golaha amaanka ee ciidamada loogu dirayo Somaliya.
Ciidamadan aayaan la sheegin meesha laga geynayo Somaliya hase yeeshee
war bixin uu Qaramada midoobay siiyay ergayga Qaramada midoobay ee
somaliya Abdalawld ayaa lagu sheegay in ciidamadan la geyn doono dhamaan
dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ay ku jirto Somaliland.
Faysal
Cali Waraabe Fursadaha Uu Helo Ma Ka Faa’iidaysan Doonaa? |
Warbixin: Barkhad M. Cumar.
Maalintii Jimcihii ee bishan May ay 16-ka ahayd ayaa waxaa jiray kulan
lagaga hadlayey masaajid cusub oo laga furayey xaafada Kood-buur ee
magalaada Hargeysa.
Xafladaasi furitaanka Masaajida oo ay iskugu yimaadeen dad tiro badan oo
intooda badani ay ahaayeen dhalinyaro, kuwaas oo isugu yimid
munaasibadan khayrka badan ee furitaanka masaajidka iyo madarasada loogu
talo galay in lagu barto quraanka kariimka iyo Tarbiyada Islaamka, waxaa
iyaduna dhismaha dheeraa meelo caafimaad oo loogu tallogelay in lagu
daaweeyo ardayda iyo dadka deegaanka ku nool.
Inta badan goobahan noocan oo kale ah waxaa isugu yimaada dadka
siyaasiyiinta, wasiirada xukumada iyo mudanayaasha golayaasha Qaranka,
Musheekhda waaweyn ee caanka ah kuwaas oo khudbado ka jeediya, balse
goobtan Jimcihii masjidka cusub laga furayey way ka duwaneyd oo may
joogin dadkaasi, marka laga reebo dadkii hawsha masaajidka waday oo
hadalo mahadnaqa ka soo jeediyey waxaa kaliya oo kulankaas lagu marti
qaaday oo yimid Guddoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe kaas ku
labisnaa Khamiis iyo Cumaamad, sitayna hangoolkii hidaha iyo dhaqanka
inoo ahaa ee aalaaba Faysal lagu yiqiinay.
Inkasta oo uu guddoomiyuhu soo habsaamay hadana wuxuu meel uu fadhiisto
ka helay safafka dambe ee masaajidka , oo uu ku tukaday, halkaas oo ay
dadku kolba ku jiidh –jiidhayeen iyaga oo aan ka war hayn in Gudoomiye
Faysal Cali Waraabe uu yahay, sababta oo ah Faysal wuu ka duwanaa oo
qofka aan ufiirsani muu garanayn labiskiisuna muu ahayn kii lagu yiqiin.
Aniga dareen gaar ah ayey ii ahayd, waayo sida aanu dadka u soo jiidhin
ee uu halkii ugu dhaweyd ee albaabka agtiisa u fadhiistay, waayo inta
badan waxaan ku tukadaa masaajid ay Siyaasiyiinta iyo madaxdu ku tukato
maalinta Jimcaha, oo aan is idhi way isku arkaan todobaadkiiba
maalintaas, wallaw dad kalana ay siyaabo badan ku macneeyaan, waxay inta
badan Siyaasiyiintu iskugu yimaadaan masaajidkaa qudha oo ku yaalla
Stationka Kood-Buur dabadiisa kaas oo la yidhaa magaciisa Masjidu
Salaam, sababtoo ah waxaa jira masaajido badan oo u dhow dhow oo ay soo
wada dhaafaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhacda in inta badan aad arkayso nin masuul
ah oo intuu habsaamay soona galay iyadoo khudbadii socoto, ka dibna inta
ay soo dhex qaadaan dadkii oo fadhiya si aan ixtiraam lahayn usoo jiidha
dadkii iyagu goor hore yimid masaajidka ee safafka hore fadhiyay ee
cibaadaysanayey, taas oo siday u socdaan fadhiista ama cidhiidhyada
safafka hore ee ay dadku uga sii horeeyey, taasina waxay keentaa inay
dadku karaahiyeystaan jidh-jiidhkooda, iyadoo ay ka reeban tahay in
iyadoo ay khudbada jimcuhu socoto la dhex soc socdo, balse ay tahay in
nin waliba barta ugu dhaw ee uu soo gaadho fadhiisto, mararka qaar kood
waxaad is odhanaysaa ma fahansana xaqa uu walaalkiisa uu jiidh jiidhayaa
u leeyahay iyo inaanay cibaadada salaadda oo qudha aanay ahayn ee hab
iyo dhaqan suuban uu leeyahay masaajidku.
Haddaba waxay u muuqataa inaanay masuuliyiinta qaarkood fahansanayn in
madaxnimadu aanay ahayn tan aduunyadda ee masaajidka aan looga baahnayn
iska weynayn siinta dadka kale, safafka lawada galayana ay tahay wax
lagu tusaalo qaato oo madax iyo mijo aanu masaajidka looga baahnayn ee
ay dadku u siman yihiin masaajidka, safafka horana ay leeyihiin ciddii
hore u timid ee mutaysatay, qofkii habsaamana aanu ahayn in uu ku
qabsado qof hore u soo kalahay, cibaadaduna ay ka mid tahay ixtiraamka
walaalkaa iyo in aad qadarisid walaalkaaga muslimka ah, masaajidaduna ay
leeyihiin habmaamuuseed loogu guto cibaadada.
Aan ku soo noqdee Faysal waxaa uu fadhiistay meelihii ay dadku marayeen
isagoo aan iska weynayn dadkana jiidh jiidhin waayo madashu waa madal
ilaahay u gaar ah dadkuna ay u siman yihiin, looguna kala dhaw yahay
sida Illaahay loogu kala cabsi badan yahay, haddaba khudbadii jimcaha ka
dib ayaa lagu casuumay Faysal Cali Waraabe si uu hadal uga dhiibto,
markii uu hadalkii bilaabayna waxa uu ugu bushaareeyey dhalinyaraddii
masaajidka ku tukanaysay in haddii uu ku guulaysto doorashada
Madaxtooyada uu dalka ku maamuli doono diinta Islaamka, mar kaliya ayaa
dhalinyaradii masaajidka fadhiday farxad iyo raynrayn darteed sacab isla
oogsadeen, sacab kadib la garay in ay masaajid tahay oo aan sacab looga
baahnayn, balse wajiyada dhalinyaradii badnayd ayaad dareemaysay siday
ugu riyaaqsan yihiin hadalada fiican ee uu gudoomiyaha Xisbiga UCID ku
hadlayo
waxaa kale oo uu sheegay in laba dal oo kaliya ay calankooda towxiid
leeyahay, Sucuudi Arabiya iyo Somaliland, taas oo uu isna calanka
xisbigiisa ku sameeyey tawxiidka oo uu xisbiyada kale dheer yahay,
waxaad dhalinyaradii masaajidka joogtay aad ka dareemaysay dareen xoog
leh oo ay ugu fiirsanayaan hadalada gudoomiyaha iyo waxaa ka suuroobi
kara, maadaama uu nin siyaasi ah uu yahay, balse gudoomiyuhu isaga oo
sii xaqiijinaya ka dhab ahaanshihiisa arintani waxaa uu yidhi “ walaal
waxaan aniguba ku jiraa qolooyinkan khuruujka ah, masaajidkaa
khuruujkaan ku xidhanahay , markaa Diintaynu ku xukumi doonaa isha
Allaahu tacaalaa”, guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in muslimiintu
maanta ay daciif yihiin, waxaanay kaga bixikaraan cabsida illaahay iyo
cibaadada badiyaana, xumaantana ay iska dhawraan oo ay ka fogaadaan,
haddii ay taa la yimaadaana ay keeni karto in musliimku uu xoog yeesho,
waxaa kale oo uu sheegay in mar ay gabadh reer galbeed ahi la soo
hadashay ay ku tidhi sideed u maamuli kartaa dal muslim ah, adiga oo ah
nin reer galbeedka wax ku soo bartay, taasna uu kaga jawaabay in uu
labada isku wadda wadi doono. Top
|