Xisbiyada Mucaaradka Iyo Xukuumadda Riyaale Oo Ku
Heshiiyey Wakhti Cusub Oo Loo Asteeyay Inay Dhacaan Doorashooyinka Iyo
Diwaan-Gelinta
Xukuumadda Rayaale Iyo Shacbiga Reer Awdal Maxaa Ugu Jira Cadaawadda Xisbiga
KULMIYE?
Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Cunno
Yaraan Ba’an Oo Ku Soo Fool Leh Somalia
Xooggaga Maxaakiimta Oo La Wareegay
Kantaroolka Siinka Dheer Ee Duleedka Muqdisho
Xisbiga Kulmiye Oo Ka Qayb-galay
Shirweyne Caalami Ah Oo Lagaga Hadlay Dhibaatooyinka Siyaasadda
Wakiilada Oo Cod Aqlabiyada Ku
Deedafeeyey Xilka Qaadista Xubintii UCID Ee Komishanka, Ansixiyeyna Xubinta
Cusub Ee KULMIYE
Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo
Cambaareeyay Weerarada Lagu Hayo Dadka Ajnebiga Ah Ee Dalkiisa Jooga
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo
Dhakhaatiir Iyo Dawooyin U Dirtay Afar Gobol Oo Somaliland Ah
Hay’adda HAPA Oo Dawooyin Iyo Qalab
Caafimaad Ku Wareejisay Cusbitaalo Gabiley Iyo Hargeysa Ah
Venezuela Oo Ku Eedaysay Maraykanka
Inay Diyaarad Milateri Oo Uu Leeyahay Ku Soo Xad-Gudubtay Hawadeeda
|
|
Xisbiyada Mucaaradka Iyo
Xukuumadda Riyaale Oo Ku Heshiiyey Wakhti Cusub Oo Loo Asteeyay Inay
Dhacaan Doorashooyinka Iyo Diwaan-Gelinta |
“Qof Kasta Oo Xafiis Laga Bedelayo Ilaa Cidii Badalaysay Timaado Isagaa
Sii Fadhiyaya, Markaa…” Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, May 21, 2008 (Haatuf) – Hoggaamiyayaasha saddexda xisbi Qaran
ayaa kulankoodii saddexaad oo ay shalay ka yeesheen khilaafaadka
siyaasadeed ee dalka ka taagan ku heshiiyey wakhtiga ay qabsoomayaan
doorashooyinku iyo in caqabadaha laga horqaado diiwaangelinta
codbixiyayaashu.
Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, Muj. Muuse Biixi Cabdi oo
xalay shir jaraa’id ku qabtay Guriga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, kadib
markii ay ka soo baxeen wada-hadal fadhi ah oo ay hoggaanka labada xisbi
ee mucaaridka ahi shalay gelinkii dambe kula yeesheen Madaxtooyada,
madaxweynaha muddada xilkiisu dhammaatay, Daahir Riyaale Kaahin iyo
ku-xigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in fadhigii shalay ay
kaga wadahadleen ajande ku saabsan go’aan qabyo ah oo ay keeneen
Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay isla soo qaateen
guddi farsamo oo ka kooban saddexda xisbi, kaas oo ah wakhtiga ay
doorashooyinku qabsoomi karaan oo ah in doorashada hore qabsoonto 15ka
December 2008, doorashada dambena ay qabsoonto badhtamaha March, 2009.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi isagoo arinkaa ka
hadlayey waxa uu yidhi: “Hadda waxaanu ka soo baxnay shirkii ay wada
lahaayeen xukuumada iyo mucaaradka oo markii saddexaad ee aanu is aragno
ah, maanta ajandaha laga hadlaayey waxa uu ahaa draft ama soo jeedin
qabyo ah oo ay keeneen komishanku iyagoo tilmaamay sababaheedana soo
dhameeyey wakhtiga ugu horaysa ee ay doorasho ka qabsoomi karto dalka,
komishankuna waa hay,ada u xil saaran iney mudeeyaan oo ay wakhtiga
doorashooyinka qabtaan sidaynu wada aqoonsanahay, waxay ku soo jaan
gooyeen hawlahooda iney qaban karayaan doorashooyinka ta hore December
lixdeeda doorashada labaadna bisha march dhexdeeda, arintaa farsamo
ahaan markay komishanku sababihii ay ku soo sameeyeen soo raaceen, Rag
farsamo ah oo xisbiyada ka socday oo hore arintaas uga soo diyaar
gareeyey oo ay ku soo qanceen, waxa ay noqotay in wakhtigaasi uu
noqonayo wakhtiga ugu horeeya ee doorasho la qaban karaayo waxaan la
dhaafi karayn ayey noqotay, hasa yeeshee waxaa loo baahday mishkilada
meesha taagan maaha goorma ayaa doorasho la qaban karaa, waxaa loo
baahday in la hubiyo inaan doorashadu halkeedaa ka dhaqaaqin maalintaas
la qabsaday, taa kooxahayaga mucaaridkii waxaanu ku soo jeedinay in loo
baahan yahay damaanad xaga sharciga ah, oo arintaa komishanku qabtay dee
qadarka Illaahay keeno waa halkeedee, in xaga sharciga Isha iyo Qodaxda
laga dhameeyo in wakhtigaa doorashadu qabsoonto.
1. in xeerka doorashooyinka qodobada ku jira ee doorashada xanibaaya ee
ka mida labada doorasho lix bilood ha u dhexeeyeen in diiwaangalinta,
doorashadan maanta ah oo kaliya laga saaro, oo dib hay,adihii sharciga
loogu celiyo qodob bay noqotay,
2. haddii wax qadar Alle ahi yimaadaan ama wax inaga waaweyn oo dabiici
ahi, inaan hay’adaha sharci dejintu soo fara galin waxaa ay ku
heshiiyeen, komishanka iyo saddexda xisbi Qaran, gaar ahaan Golaha
Guurtida oo qolooyinkayagan mucaaridku bayr ka qabno oo dhawr jeer oo
hore wax kor kor dhisay, intaana la isku waafaqo oo xagaa laga soo helo,
labadaa arimood oo loo baahdo awgood oo aanu isla qaadanay in labadaaba
sidaa loo fuliyo saddexdayadii dhinacba ayaa dib loogu celiyey arintaa
cidii farsamadaa lahayd ee xisbiyada iyo komishanka ahayd, muddo dhawr
cisho ahna loo baahday in hay,adihii sharciga qodobadan aan la socon
karayn taa guurtida, in hay,adihii dee baarlamaanka labadii qolo ee
baarlamaanka buu khusaynayaaye dib loogu celiyo arintii oo iyagana dib
loogula kaco, sidaasi darteed waxa aanu qaadanay Arbacada, Khamiista,
Sabtida sadexdaa cisho in hay,adaha sharci dajintu wixii kaga hadhsan
halkaa ee ay qodobadaa kaga hor qaadayaan iyaga lagu celiyo Axadana
laysku yimaado, warkaanu idiin haynaa waa intaa.
Intaa ka dib waxa ay wariyayaashu waydiiyeen gudoomiye ku xigeenka
su’aalo waxaa ney u dhaceen sidan.
S: Waxaa jiray guddiyo saddex geesooda oo markii horeba arinkan ku jiray,
markaa kuwaas markii horeba maydaan mandate siin iyo wixii xagooda ka
yimaada siday yihiin loogu soconaayo?
J: Maya mandate waanu siinay iney imigreshanka noo soo galaan guddi
farsamo ayey ahaayeen, go’aanka waxaa leh hogaanada saddexda xisbi
ayaale go’aanada kama dambaysta ah markaa way soo raaciyeen rayigan
qoladan hoosaba in laga saaro wax alaale wixii aan la jaan qaadayn
maanta oo golaha wakiilada dib loogu celiyo qodobada iyo golaha guurtida
arintaa laga dhameeyo inaaney hadhawto retreat dib usoo qaadanayn marka
way soo raaciyeen lifaaqyadaa markaa waxaa loo baahday inta aan
qolooyinkani wada saxeexin inta aanu hir galin sharcigu in la soo
dhameeyo wixii hay,adaha kale ku lamaan, labada hay,adood ee sharci
dajinta ayaa bahalkii ku marane.
S: Arintii madaxwynaha iyada maad ka wada hadasheen, madaxweynaha
xilkiisu 15ka bisha ku eekaa?
J: Haa, ajandayaal baa jira kolba qodob baa la galayaa maanta qodobkan
baa lagu dheeraaday baan ku idhi, laba qodob oo kale ayaa meesha noo
yaala oo ay doodoodu taalaa, midi waxa weeyi dawladda wakhtigeedu wuu
dhamaaday, haddii aynu doorasho wakhti u qabano bal horta wakhtigii
doorashada aynu ku heshiino, markaynu doorashada wakhtigeedii ku
heshiino, yaa dawladda ina gaadhsiinaysaa waa tuma, waa noocee waa in
iyadana laga heshiiyaa, waa ajande kale oo noo laaban, waxaa kale oo
iyana noo laaban, qodob kale oo ah waar labada doorasho ee is daba yaala
teebaa priority inoo leh teebaa aynu soo hore marinaa, mata madaxtooyada
mise ta dawladdaha hoose, qolaba fikrad bay qabtaa, labadaa arimood wali
si aanu dee walli wakhtigii iyo doodii wali go’aan maanu gaadhin,
qodobka ugu cuslaa waxa weeyi doorashaynu u soconaa doorashadii way dhib
badatay oo way guur guurtay horta doorashada aynu meel taagno wakhtiga
la qabanayo waa taa taanu isha madaxa ka dhamaynayno.
S: Mala odhan karaa ka xisbi ahaan waxaad aqoonsateen sharciyadii
xukuumada ay golaha guurtidu ugu kordhisay?
J: Maya, sharciyadii qodobkii ahaa, waanu kordhinay ee guurtida horana
waanu u diidnay haddana waanu diidnay, laakiin mid baa jirta iyada
maamul kasta iyo aduun kasta sida loo dhaqmo, meeshii kursigii ma
noqonayo (vacant), malaha caqliyad taa odhanaysaa ma jirto, waxaynu ku
dadaalaynaa anagu in la helo wakhtiga doorashada, waa qodob la isla wada
qaato saddexda xisbi qaran, qodobka labaad ee aan u gudbayo, yaa idin
gaadhsiinaya wakhtigaa, inta labadaa qodob laga heshiinaayo waa caadi
aduunka oo dhan waxaa la yidhaahdaa (care taker) qofka meesha sii
fadhiya, qof kasta oo xafiis laga bedalo, ilaa cidii badalaysay timaado
dee isagaa sii fadhiyaya, waxaanu imika ka wada hadli doonaa oo balanka
dambe noo ah waar yaa ina gaadhsiinaya, maamulka ina gaadhsiinaya muxuu
noqonayaa waa noocee waa qodob noo laaban.
S: marka laga hadlo kulankan maanta aad yeelateen xisbiyada mucaaradka
iyo xukuumadu, go’aamadii aad shalay qaadateen ee aad soo jeediseen, ee
ahaa in draftkii ay idiin soo gudbiyeen komishanku, in doorashooyinku
dhacaan December iyo March in aad ku dartaan qodobo kale qoladiinan
mucaaridku in haddii duruufo kale yimaadaan aaney go’aamadaa soo fara
galin hay’adaha sharcigu gaar ahaan Guurtidu, markaa idinku ma daba ka
warwar baad ka qabtaan hadii xukuumadii dalka ka talinaysay aad heshiis
la qaadataan in uu is bedel xagan ka yimaado.
J: Dee Mayee Sharciyaa yaala maaha guurtida oo qudha baarlamaanku waa in
uu ka saaraa qodobada masalan lix bilood baa doorashooyinka u
dhaxaynayaa iyo qaar kale oo dhawra oo carqalad ku ah wakhtigan oo
muddadan oo qudha ah sharciga ma wada daynayno ee maanta dhibaataa ina
haysata wakhtigii baa dawladdii ka dhamaaday doorashadii baynaan
muddadeedii haynin markaa waxaanu daydayaynaa xal dee markaa waxa weeyi
qodobada hor taagan oo dhan waa in labada goleba laga saaraa oo laga
qaadaa, labadii golena waa in ay iyagii dhex martaa iyagiina
wakhtigoodiina qaataan.
S: Hadii doorashadu ku qabsoomi waayaan bilaha December iyo March, ma
isla soo qaadeen waxa dambe ee la yeelayo?
J: Haa bini Aadmi baynu nahay bini aadmiguna wakhtiga uu qabsado, qadar
alle halkiisaa la dhiga horta waxa aanu ku dadaali oo aanu aad uga
fikiri qadar alle oo yimaada mooyee oo anaga naga wayn mooyaane, in
aaney si dambe arintaasi u dhaqaaqin taana yuhuunteedu way naga wada
muuqatay dhamaantayo waayo xal baynu u baahanahay hadii ay timaado wax
kale waa taanu u doonayno inaaney cid kale soo fara galin golle guurti
ama gole baarlamaan oo arintaas ka hadalkeeda iyo go’aan qaadashadeeda
loo daayo saddexda xisbi qaran iyo komishanka.
S: Madaxweynuhu hore waxa uu u lahaa sanadka ay golaha guurtidu ii
kordhiyeen waa sharci hadana ma waxa uu idinla qaatay in aaney golaha
guurtidu idin soo faragalin oo waxa ay soo saaraana ay sharci daro yahay?
J: Dooda ah waxa ay guurtidu kordhisay waa sharci iyo waa sharci daro
mushtamaca iyo xukuumada mucaaradka waanu ku kala qaybsanay waxaanu
iskugu tagnay in rayi’gaa aanu ku kala qaybsanahay in aanu xal dhexe
iskugu tagno, anaguna waxa aanu ahayn qoladii lahayd guurtidu sharcigaa
sida ay u dabaqeen may ahayn sidii sharciya maaha iyaguna waxa ay
taagnayeen waa sharci, labadaba halkaa iska dhigoo maxaa inoo dana baanu
taaganahay, maxaa inoo danana wakhtibaanu qaadanay oo ah kaa ay ka
fursan wayday , maantana waxa aanu ku soconaa maxaa inoo dan ah, anagu
ma nihin maxkamad looyarana ma nihin kani ma sharcibaa mise sharci maaha
halkaas baanu iska dhignay.
S: Mala odhan kara Asxaabtiinii mucaaridka ahayd way idinka badisay
xukuumadu ee inaydin is dhiibataan baa muhiim ah?
J: Taasi waa sida adiga kuugu muuqata ee aniga iiguma muuqato, aniga
waxa ay iigu muuqataa xukuumada Udub iyo mucaaridkaba, iney mushkilad
culus oo dalka kusoo fool yeelatay oo dawlada wakhtigeediina dhamaaday,
doorashooyinkiina aan la hayn ay si masuuliyadi ku jirto iyo lexejeclo
dalkii ay iskugu gacmo jiidayaan sideed mushkiladan uga baxdaan oo xal
loo helaa laakiin fikradaasi adiga ayey kuu gaar tahay.
S: 15ka bishii May waxaa dhamaaday wakhtigii xukuumada idina waxaad
sheegteen in aydaan aqoonsan doonin wixii ka dambeeya wakhtigaasi
mawqifkiinii arintaasi ku waajahnaa miyaad ka tanaasusheen?
J: Waxaanu aqoonsanaynaa ama aqoonsan waayaynaa marka ay dhamaadaan wada
hadaladu ama waa lagu heshiiyaa ama waa lagu heshiin waayaa,
wadahadaladii ayeynu badhtanka kaga jirnaa, qodobkii ugu horeeyey ayaanu
maanta gacanta galinay isagiina la islama meel dhigin ee boroseskaa buu
maray, arintaadaasi waxaad jawaabteeda la sugaysaa maalinta uu shirkani
xidhmo taas oo aan jecelahay in uu guul ku xidhmo, hadii uu guul ku
xidhmi waayana xal uun baa la raadinayaa.
S: Waxaa jirta ciidamo badan oo wadooyinka faras magaalaha lagu daadiyo
dhibaatooyin badana way keeneen arintaa iyaga ma kala hadasheen?
J: Maanta wixii aanu ka hadalay waa wixii ku saabsan qodobkaa
doorashooyinka, su’aashii aad tidhi muddada doorashada yaa xilka idin
gaadhsiinaya? Mid waan idiin sheegay oo waxaan doonayaa inaaad fahantaan,
suurta gal maaha in vacuum imika qolada fadhidaa waa care take waaney
fadhidaa, waxaa inoo dambaysa dawladda ina gaadhsiinaysa doorashada
noocma ayaanu ka wada hadlaynaa, markaa qodobkaa hala gaadho, hadase
waxay u joogayaan meesha oo ay usii fadhiyayaan kursigu faaruq buu
noqonayaa aduunkoo dhana waa caynkaa, xafiis kasta oo la badalo cidii
lagu badalaayey intii la keenaayo cid baa fadhiyaysa, wakhtigiisii wuu
dhacay waa Run, waa muddo dhaaf waa Run, waxaynu wadnaa imika waa xal
goormaynu doorasho qabsanaa, isagaynu dhexda kaga jirnaa markuu dhamaado
ayeynu ka wada hadli, maxaad ku heshiiseen maxaad ku diideen, wali wuu
socdaaye wali mabaanu heshiin manaanu dhamayn talaabadeedii se waanu
qaadnay.
Xukuumadda
Rayaale Iyo Shacbiga Reer Awdal Maxaa Ugu Jira Cadaawadda Xisbiga
KULMIYE? |
Faallo – Weriye Maxamed Cumar, Boorama
Tan iyo markii uu talada dalka qabtay Daahir Rayaale, waxay reer Boorama
iyo guud ahaanba reer Awdal la yaabeen sida dhibta yar leh ee ay u
fuuleen kursiga dalka ugu sarreeya, kaas oo ay aaminsanaayeen inay iska
lahaayeen goboladii laga taageeri jiray SNM wakhtigii lagu jiray
halgankii lagu xoreynayey Somaliland.
Waxa kale oo ay la yaabanaayeen sida dhibta yar leh ee Daahir Rayaale
kursigaasi u tegey, isagoo aan ka mid ahayn siyaasiyiintii u tartamaysay
kursigaasi, ama mucaaradka ahaa, amase ahaa ragii ugu dhawdhawaa Marxuum
Cigaal laakiin aakhirataankii waxay isku qanciyeen in uu Rayaale nasiib
ku helay iyo dhaxaltooyo marxuum Cigaal.
Midda kale waxay dad badan oo halkan iyo Somaliland joogaa la yaabban
yihiin sida Rayaale uu kursigan ku yimi oo ahayd si dhib yar, balse ay u
adkaatay in laga furfuro xukunka, isla markaana axsaabta mucaaradka ah
ee dhawrka jeer la tartantay ay ilaa maanta ka guuleysan la’yihiin, taas
oo keeni karta in shan sano oo dambe uu Rayaale sii xukumo dalka
inkastoo ay jiraan cadaadisyo kaga imanaya xisbiyada qaarkood, gaar
ahaanna xisbga Kulmiye, oo ay u arkaan inuu yahay cadowga ugu weyn ee
Rayaale leeyahay wakhtigan xaadirka ah, UCID-na uu yahay saaxiibka ugu
weyn ee xukuumadda maanta.
Haddaba markaad eegto cadaawadda iyo xumaanta ku salaysan arrimo door
ah, oo aynaan qaarkood halkan ka sheegi karayn, ayaa waxay soo
jiitamaysay ilaa sannadihii 2002dii-23dii wahtigaas oo wasiirka
Xidhiidhka Golayaasha ee haatan, Cabdi Xasan Buuni, uu damacsanaa inuu
ka noqdo musharraxa mansabka Madaxweyne ku-xigeenka doorashooyinkii
Rayaale kursiga madaxweynimada keenay 2003dii.
Cabdi Xasan Buuni oo xisbiga Kulmiye waagaa doorashooyinkii golayaasha
degaanka dalka, gaar ahaanna Boorama, ku guuleystay in xisbigaasi xubno
door ah ku yeesho golahaasi, balse dhinaca kale ka bixitaankiisii ka
dhashay mansabka Madaxweyne ku-xigeennimada ee Cabdi Xasan ku soo bixi
waayey ayaa waxa Kulmiye Gobolkan uga bilowday cahdi cusub oo xisbigaasi
dhaxaalsiisay guuldarrooyin siyaasadeed, cadaawad, takoorid, iyo
khiyaamooyin qarsoon oo ay reer Boorama xisbigaasi kula dhaqmeen oo ah
“qawda maqashii waxna ha au qaban”.
Nacaybka iyo dareenka cadaawadeed ee reer Awdal, ama reer Boorama tuseen
guud ahaan axsaabta iyo ururada mucaaradka ah, ayaa waxa kale oo ka mid
ah inay xitaa gobolka ka mustaafuriyaan masuuliyiinta, iyo siyaasiyiinta
axsaabta ama ururada mucaaradka, iyadoo la ogaa sidii loo galay
masuuliyiinta urur-siyaasadeedka Qaran, kaas oo Boorama lagu casumay
isla markaana Inj, Maxamed Xaashi Iyo Dr. Gabboose hadh cad laga
mustaafuriyey Borama, iyagoo weliba ciidan Bileys ah la daba dhigay inay
ka kaxeeyaan magaalada.
Inkastoo xumaanta qaybaha dadweynaha Somaliland u hayaan xisbiga KULMIYE,
aanay ku koobnayn reer Awdal oo keliya, oo ay jirto dagaal siyaasadeed
oo kaga socda Hargeysa, iyo Berberaba, balse waxan ka hadlaynaa
tallaabooyinkii dadweynaha reer Awdal xisbigaasi hoggaankiisa iyo
siyaasaddiisaba ku wiiqeen ilaa 2002dii:
Hadii aan dib u raacno hagardaamooyinka xisbigaasi siyaasiga ah ka soo
gaadhay reer Awdal tan iyo markii uu ka mid noqday axsaabta qaranka ayaa
ah kuwo aan la soo koobi karayn.
1. Booqashdii ugu horreysay ee hogaamiyaha xisbigaasi, Axmed Siilaanyo
ku yimaaddo Boorama 2002dii, ayaa waxa Boorama ka dhacay mudaharaadkii
labaad ee taayirro lagu shido masuul ka yimaadda Hargeysa oo aan ahayn
reer Awdal, iyadoo uu ka horreeyey mudaaharaad la mid ahaa oo lagala
horyimi Marxuum Cigaal, oo booqasho ku imanayey Boorama, balse
badhasaabka Gobolka oo waagaa ahaa nin dhex ahi uu baajiyey kalana
dareeriyey banaanbaxaasi Axmed Siillaanyo lagu dhigi lahaa.
2. Khiyaamo xisbigaasi lagu khiyaameeyey doorashadii dhacday 2003dii ee
madaxyttooyada loo tartamayey, taas oo weliba laga xishoonayey, dabadana
uu ka riixayey Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw
Cali, oo ka soo jeeda gobolkan, loona soo banaanbaxayey khudbadihiisa,
isla markaana aanay reer Boorama tusin wax dareen ah oo ka dhan ah
siyaasadda xisbigaasi, balse dhinaca kale xisbigaasi ka luggoynayey
markay noqoto cod, olole, iyo wakiilnimada lagu ilaalinayo xisbigaasi
danahiisa.
3. Waxyaalaha reer Boorama xisbigaasi badeen ayaa waxa kale oo ka mid ah
iyagoo wakiiladii ama muraaqibiintii xisbigaasi lahaa laga tuuray
gaadiidkii u kala qaadayey degmooyinka, isla markaana, muraaqibiinta
xisbigaasi ay qaarkood hoosta kala socdeen xisbiga UDUB, oo aanay ahayn
kuwo daacad u ahaa.
4. Dhaqalaha xisbigu ku bixiyey gobolkan wakhtigii doorashada, oo loogu
shaqayn jiray UDUB, sahay cunto ahayd oo loogu dhiibay dadkii ka
codaynayey meelaha ka fog Boorama, inta badan laga lunsaday ama laga
dhacay. Ragii waagaa loo dhiibay sahayda, muraaqbiniintana u ahaa
xisbiga ayaa waxa ka mid ah wasiirka Dalxiiska ee xukuumadda Rayaale, C/risaaq
Waaberi.
5. Goobaha codbixinta qaarkood sida degaanada Dila, Magaalo-cad, iyo
Qulujeed, oo ay masuuliyiintii xukuumadda kaga jiray degaankaasi, oo ka
soo jeeda degaanadaasi u diideen in Kulmiye dhigto sanaaduuqda
codbixinta.
6. Wakhtigii doorashada oo meelaha lagu tuhmo in KULMIYE ku badan yahay
ciidanka amnigu qas ka abuurayey, kaddibna goobtaa la xidhayey.
7. Doorashadii baarlamaanka cusub oo si badheedh looga horjoogsaday
goobaha qaarkood in la tiriyo codadkii, inkastoo markan dambe xisbigaasi
guulo ka soo hooyey codbixintaasi.
8. Tan iyo markii ay soo dhawaadeen doorashooyinka haatan la filayo inay
dalka ka dhacaan, ayaa taageerayaasha ama wakiilada xisbigaasi
badankoodii la xidhxidhay, kuwa kalena abtirsiin ahaan, iyo dhaqaale
ahaan loogu wareejiyey taageerayaasha xukuumadda ama ciidamada kala
duwan laga shaqaaleeyay.
9. Waxay maanta maraysaa in musharraxiintii, iyo taageerayaashii iyo
masuuliyiintii xisbigaasi gebi ahaanba laga mamnuucay inay gobolkan ka
hadlaan ama afkaartooda ka soo jeediyeen. Dhacdooyinka lagu takoorayo
xisbigaasina waxa tusaale ugu filaa tii ka dhacday Degmada Saylac, ee
musharraxiintii iyo xildhibaanadii xisbigaasi loogu diiday inay ka
hadlaan, waxa ku xigtay munaasibadii degmo-nimada magaalo Cad, waxa kale
oo ku xigtay munaasibadii qaranka oo dhammi u sinaa ee 18-ka May, iyadoo
aad mooddo in aaladda keliya ee maanta loo adeegsdo qofka la doonayo in
xukuumadda lagu diro lagu tilmaamo ay tahay isagoo lagu sheego waa
KULMIYE, sidaa darteedna looga fogeeyo shaqooyinka, shirarka, iyo
dadweynaha kale ee gobolkaba.
Haddaba markaad isweydiiso waxyaalaha keenay in cadaawadda intaa le’eg
gobolkan lagula dhaqmo xisbigaas qaran, ayaa dad badani ii sheegaan.
1. Isagoo hoggaankiisu aanu abtirsiin ahaan ka soo jeedin gobolka Awdal
2. in xisbigaasi ay u badan yihiin saraakiishii SNM, oo ay reer Boorama
u arkaan cadow waayo hore ay lahaayeen, isna saamaxeen inta Somaliland
jirto.
3. Cabsi ku salaysan aargoosi xisbigaasi reer Awdal lagaga aargoosto
falalka lagula kacayo Hoggaanka xisbigaasi, cabsidaas oo ay dadweynaha
xisbigaasi u geliyeen mudanayaasha saddexda gole kaga jira gobolkan
Awdal, oo had iyo jeer ku ololeeya in la baabi’in doono reer Awdal
haddii xisbigaasi qabsado, oo jaamacadaha la xidhi doono, iwm.
4. Hoggaanka xisbigaasi oo looga baqayo inuu qaato kursiga, magaca,
awoodda, iyo sumcadda reer Awdal ku leeyihiin Somaliland iyo caalamka
intiisa kaleba haddii UDUB laga adkaado.
5. Xiisadda lagaga soo horjeedo siyaasadda xisbigaasi ayaa waxa sii
xoojisay ayey qaarkood leeyihiin iyadoo aanay siyaasiyiintii reer Awdal
ee caanka ahaa ka muuqan hoggaanka sare ee xisbigaasi, una muuqda mid ay
beelihii SNM taageeri jiray iska buuxiyeen mansabyada sare.
Dhinaca kale markaad eegto cadaawada intaa le’eg ee Reer Awdal kula soo
dhaqmayeen, ama u muujiyeen xisbigaasi ilaa maanta ayaa lagu tilmaami
karaa mid baalmarsan dimuqraadiyadda iyo midnimada reer Somaliland,
waxanad mooddaa in reer Boorama ilawsan yihiin in degaanada xisbigaasi
KULMIYE uu awoodda badan ku leeyahay dadweynaha ku nooli codkooda
siiyeen Xisbiga UDUB, mana dhacdeen in Rayaale Madaxweyne maanta dalka
ka noqdo ama mustaqbalka ka noqdo haddii aanay dadweynaha gobolada kale
siinin codkooda xisbiga UDUB, codadka reer Awdal siiyeenna aanay
keligood soo saareen.
Falalka cadaawadeed ee had iyo jeer masuuliyiinta xisbigaasina ay reer
Awdal tusayaan Hogaanka iyo taageerayaasha axsaabta mucaaradka, siiba
xisbga Kulmiye ayaa dhinaca kale laga yaabaa inay mideyso beelaha kale
ee hoggaanka xisbigaasi ku abtirsado, kuna nool gobolada kale ee
Somaliland, taas oo aakhirataanka guuldarro, iyo godobo kaleba geyeysiin
karta dawladda Rayaale iyo xisbiga UDUB. Reer Awdalna halkii ay wax ka
taransan lahaayeen ay bartilmameed u noqdaan dadweynaha gobolada kale ee
Somaliland ee ay bahdilaadda ku hayaan siyaasiyiintooda, sidaa darteedna
inta goori goor tahay ay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan Kulmiye ka
daayaan cunsurinimada ay kula dhaqmayaan masuuliyiintiisa.
Haddii ay xukuumadda UDUB daacad ka tahay inay joojiso arrimahaasina
cadaawaddii ay xisbgaasi u gelisay dadweynaha reer Awdal dib ha uga
saarto, haddii kale waxa iman doonta maalin kale oo aanay reer Awdal
farxi doonin, kana duwan sidii ay ugu farxi jireen guulaha isdabajoogga
ah ee xisbgooda UDUB sannadihii ina dhaafay ka soo hooyey mucaaradka loo
eryanayo sidii aanay waddanka u dhalan ama aanay xaq ku lahayn.
Qaramada
Midoobay Oo Ka Digtay Cunno Yaraan Ba’an Oo Ku Soo Fool Leh Somalia |
Nairobi, May 21, 2008 (W. Wararka) – Hay’adda Qaramada
Midoobay ee cuntada iyo beeraha ee magaceeda loo soo gaabiyo FAO ayaa
walaac ba’an ka muujisay cunno yarida ka jirta dalka Soomaaliya,
waxaanay sheegtay in laga cabsi qabo in kumanaan caruur ah sanadkan u
dhintaan macaluul iyadoo ay sare u sii kacayso dadka u baahan gargaarka
daruuriga ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in ku dhowaad 2 milyan oo ruux ay gaadhi doonto
dadka u baahan cunto gargaar ah iyadoo ay tiradaas ku soo korodhay
600,000 oo qof oo dadka magaalooyinka degan ah.
Hay’addu waxa kale oo ay sheegtay in qiimo kac ballaadhan uu ku yimid
raashinka daruuriga ah ee la iibsado oo badankiisa laga keeno dibadda.
Hay’adda FAO waxay ka digtay cunno yari baahsan oo ku soo fool leh
Soomaalida, ka dib markii aanay si ku filan u di’in roobabkii Gu’ga ee
la filayay inay da’aan bilaha April iyo May.
Hay’adda FAO waxa kale oo ay sheegtay in ay horey u codsatay ilaa 8
milyan oo dollar oo ay gargaar raashin ah ku soo iibiso, balse hay’addu
waxay xustay inay heshay oo keliya kala badh lacagtii ay u baahneyd.
18-ka May Oo Markii U Horeysay Laga Xusay Dalka Yemen
Sanca, May 21, 2008 (Haatuf) – Munaasabada sanad guurada 17aad ee ka soo
wareegtay gooni isutaaga Somaliland oo markii u horaysay laga xusay
wadanka Yemen caasimadiisa Sanca.
Habeen hore waxaa lagu qabtay munaasabadda 17aad ee ka soo wareegtay
maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, hool weyn oo ku yaal magaaada
Sanca ee Caasimada dalka Yemen, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen
dhamaan jaaliyada reer Somaliland qaybaheeda kala duwan iyo marti sharaf
lagu soo casuumay halkaas oo dadka joogay ay kor u dhaafeen shan boqol
oo qof.
Xafladan ayaa waxaa dadweynaha reer Somaliland kala soo qayb galay
Wakiilka Somaliland u jooga dalka Yemen Cali Maxamed Axmed iyo laba
wasiir oo ka tirsan Xukuumada Riyaale kuwaas oo kala ah Wasiirka Dib u
dejinta iyo Wasiirka Cadaalada Abshir Axmed Xasan iyo Axmed Cali Casoowe
oo halkaas dadkii isugu yimid hadalo uga jeediyey ku saabsan xaalada
dalku maanta uu marayo iyo waxyaabaha u qabsoomay Somaliland iyo waxa
laga sugayo xukuumada Somaliland oo aan weli Ictiraaf ka helin dunida
taas oo ay sheegeen inay Somaliland tahay Dawlad ay dadkeedu wadaan.
Xafladan oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga xuso dalka
Yemen ayaa waxay socotey muddo saddex saacadood ah taas oo lagu soo
bandhigay heeso,ciyaaro iyo gabayo ka turjumaya dhaqanka dadka reer
Somaliland,xafladan ayaa waxaa isku soo duba ridey guddi uu madax u
yahay Wakiilka Somaliland u jooga dalka Yeman ..
Xooggaga
Maxaakiimta Oo La Wareegay Kantaroolka Siinka Dheer Ee Duleedka
Muqdisho |
Muqdisho, May 21, 2008 (W. Wararka) – Xoogaga Maxkamadda
islaamka ee Somalia ayaa shalay galab la wareegay Xarun fadhiisin u
ahayd Ciidamada Dawladda Mbagathi oo u dhaxaysa Afgooye Iyo Muqdisho
halkaas oo lagu magacaabo Siinka Dheer isla markaana bar kantarool u
ahayd ciidamada Gobolka Banaadir oo lacag cashuur ah kaga qaadi jiray
gawaadhida isaga kala goosha qaar ka tirsan gobolada dalkaas Somalia.
Mid ka mid ah masuuliyiinta ugu sarsareeya xoogaga
dagaalka ku soo qaaday ciidamada dawladda Mbagathi oo la hadlay
saxaafadda Somalia ayaa xaqiijiyey inay dagaal kadib kala wareegeen
halkaasi ciidamada Mbagathi isla markaana ay wakhtigan oo ah goor gaaban
oo galab ah gacanta ku hayaan iyagoo fasaxay gawaadhidii halkaas ku
xanibnayd oo iyaga cashuurta lagaga qaadayey.
Sidoo kale Masuulkan oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay
inay la wareegeen ilaa laba gaadhi oo kuwa tiknkada ah oo ay lahaayeen
Ciidamada Mbagathi, Hub farabadan iyo weliba agab kale iyo saanad
milatari oo halkaas taalay.
Dhinaca kale waxaa halkaasi Biliqo ka gaystay dad shacab ah oo cadhaysan
isla markaana qaatay lacagtii laga qaadayey gawaadhida iyo alaab kale oo
ay ka carareen ciidamada Mbagathi ee gacan ku haynteeda goobtaas lagala
wareegay. Top
Xisbiga
Kulmiye Oo Ka Qayb-galay Shirweyne Caalami Ah Oo Lagaga Hadlay
Dhibaatooyinka Siyaasadda |
Belfast, May 21, 2008 (Haatuf) – Shirweyne caalami ah oo lagu gorfaynayay
dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka hadda ka taagan oo dhawaan lagu
soo gabagabeeyay magaalada Belfast ee woqooyiga Ireland oo ay ka
qaybqaateen wufuud ka socotay 28 dal ayaa lagu casuumay hogaamiyayaal ka
tirsan 7 wadan oo Afrikaan ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga
Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shirwaynhan oo socday muddo
saddex maalmood ah ayaa Axmed Siilaanyo oo hawlo qaran awgeed u tagi
kari waayay, uu u wakiishay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Hadal uu ka jeediyay shirwaynaha Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar wuxuu si
balaadhan uga warbixiyay arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo
qalalaasaha ka aloosan mandaqadda. Wuxuuna si gaar ah u taabtay xaaladda
Somaliland ee hadda iyo baahida loo qabo in la helo gargaar caalami ah
oo wax ka tari kara kobcinta dimuqraadiyadda, nolosha dadka iyo xal u
helidda arinta aqoonsiga.
Waxaa kaloo uu shirweynaha uga waramay halganka dheer ee qaran-dhiska ah
ee shacabka Somaliland soo maray tan iyo 18 May 1991, iyo siday uga
go’an tahay inay ku biiraan bulshada caalamka xorta ah.
Intuu uu shirwaynuhu socday, waxaa u suuragashay Dr. Maxamed Cabdillaahi
inuu si gooni gooni ah ula kulmo qaar ka mid ah madaxdii ka soo
qaybgashay shirwaynaha, wuxuuna kala hadlay maslaxadda iyo danaha
shacabka Somaliland. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii uu la kulmay
Madaxweynaha dalka Senegal mudane Abullaye Wade, hogaamiyaha mucaaradka
ee Zimbabwe, Morgan Tsvangarai, oo la filayo inuu ku guulaysan doono
talada dalkaasi bisha soo socota, iyo Marwo Rosie Odinga oo ka socotay
Xisbiga Raila Odinga oo ah Ra’iisal- wasaaraha cusub ee Kiiniya.
Waxaa kalo mudane Maxamed Cabdillaahi uu kulamo gaar ah oo lagaga
wadahadlay iskaashi dhexmara xisbiyada dimuqraadiga ah ee Yurub iyo
Afrika la yeeshay hogaamiyayaal xisbiyo oo ay ka mid ahaayeen,
afhayeenka arrimaha dibadda ee xisbiga VVD ee dalka Holland, Hans Van
Baalen, Hogaamiyihii hore ee xisbiga D66 ee dalka Holland, Boris
Dittrich, Guddoomiyaha Xisbiga Civic United Front ee dalka Tanzania, Dr.
Ibrahim Haruna Lipumba, Lord Alderdice oo ka tirsan aqalka odayaasha
Ingiriiska iyo David Ford oo ah hogaamiyaha Xisbiga Alliance Party ee
Waqooyiga Ireland.
Intii uu joogay madasha shirweynaha waxaa mudane Maxamed Cabdillaahi uu
guddoomay casuumado la xidhiidha shirar kale oo caalami ah oo loo fiday
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo.
Wakiilada Oo Cod Aqlabiyada Ku Deedafeeyey Xilka Qaadista Xubintii
UCID Ee Komishanka, Ansixiyeyna Xubinta Cusub Ee KULMIYE |
Hargeysa, May 21, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii shalay
cod aqlabiyada dib ugu celiyey xubintii komishanka doorashooyinka ee
xisbiga Ucid Axmed Maxamed X. Daahir, oo uu Madaxweyne Rayaale golaha
wakiilada ugu soo gubiyey si ay xilka qaadistiisa u ogolaadaan kadib
markii uu ku eedeeyey, inuu gafafka galay shaqo wadareedii komishanka
doorashooyinka hasa yeeshee waxaa eedayntaasi gaashaanka ku dhuftay
gudida arimaha gudaha ee golaha wakiilada oo iyagu fadhigii shalay
golaha soo hor dhigay wakiilka xisbiga kulmiye usoo magacaabay
komishanka Cali Maxamed C/laahi (Bikolo) iyo wakiilkaasi Ucid ee hore ay
shaqada uga joojiyeen lixda xubnood ee komishanka doorashooyinku taasoo
gudida arimaha guduhu golah usoo jeedisay, in dib loogu celiyo xilkiisii
komishanka doorashooyinka, oo ay sheegeen in aaney gudi ahaan ku qancin
ee dihii xilka qaadistiisa loo soo cuskaday kuna sifeeyeen masuul daacad
ah.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayey Gudoomiyaha golaha wakiilada Md C/raxmaan
Maxamed C/laahi Ciro, kana soo xaadireen 59 mudane ayaa waxaa fadhigaasi
warbixin ku saabsan labada xubnood ee ay komishanka hor keeneen ka soo
jeediyey Gudoomiyaha gudida arimaha gudaha Siciid Cilmi Rooble, oo ay
gudidiisu qiimayn iyo baadhid ku soo samaysay eedaha xilka qaadistiisa
lagu soo sababeeyey Axmed Maxamed X. Daahir oo ahaa wakiilkii komishanka
doorashooyinka ee xisbiga Ucid soo magacaabay, taasoo uu tilmaamay in
aaney gudi ahaan ku qancin eedahaa loo soo jeediyey, isla markaana ay
golaha usoo jeediyeen in dib xilkiisii loogu celiyo, isagoo dhinaca
kalena tilmaamay in wakiilka xisbiga Kulmiye usoo magacaabay komishanka
doorashooyinka Cali Maxamed C/laahi, markii ay shuruudaha xeerku dhigayo
magacaabistiisa daraasad kusoo sameeyeena uu tilmaamay in gudidoodu ku
qanacday in gabi ahaanba shuruudihii laga rabay uu buuxiyey, sidaa
darteena soo jeediyey in xilkaasi loo ansixiyo.
Intaa ka dib waxaa fadhigaasi laga akhriyey digreetada uu Madaxweyne
Rayaale labadaasi xubnood ee asxaabta mucaaradka usoo magacawday
komishanka doorashooyinka uu ugu soo gudbiyey golaha wakiilada isagoo
wakiilka komishanka ee xibiga Ucid xilka qaadistiisa sabab uga dhigay
Shan qodob oo uu sheegay in komishanku ku soo eedeeyeen, iyo natiijadii
ay gudida baadhistu ka soo saartay eedihii ay komishanku u xanbaariyeen
wakiilkaasi oo uu tilmaamay in gudidaasi ay ku qanacday in shaqo
wadareedkii komishanka doorashooyinka uu ku gafay, isla markaana ay
cadeeyeen inaanu la shaqayn karin, sidaasi darteedna waxa uu golaha usoo
jeediyey, in sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka
iyo madaxtooyada xeer Lr.20 qodobkiisa 13naad, farqadiisa 3aad, uu awood
usiinayo in xilka qaadista xubnaha komishanka iyo magacaabidoodaba ay
ogolaadaan ama diidaan, isagoo dhinaca kalana wakiilka xisbiga Kulmiye
usoo magacaabay komishanka isagana usoo jeediyey in goluhu waajibkiisa
ansixinta ka guto, intaa ka dib waxa uu gudoomiyuhu mudaneyaasha usoo
jeediyey inay u kala codeeyaan soo jeedinta gudida arimaha gudaha ee
dibu celinta wakiilka xisbiga Ucid in shaqadiisii dib loogu celiyo, iyo
soo jeedinta Madaxweyne Rayaale kuso jeediyey in xilka xayuubin lagu
sameeyo Axmed Maxamed X. Daahir, intaa ka dibna waxa uu goluhu cod
aqlabiyada ku ogolaaday soo jeedintii gudida ee ahayd in dib loo celiyo
wakiilkaa komishanka doorashooyinka cod dhan 55 mudane, halka ay soo
jeedinta Madaxweyne Rayaale na ka ogolaadeen 2 mudane hal mudanena ka
aamusay gudoomiyuhuna ma codayn, halkaasi ayaanu ansax ku noqday
wakiilka komishanka Ucid xilkiisii komishanka inuu dib ugu noqday,
dhinaca kale waxa uu goluhu cod aqlabiyada ku ansixiyey wakiilka xisbiga
Kulmiye usoo magacaabay komishanka Cali Maxamed Cabdilaahi cod dhan 58
mudane cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin gudoomiyuhuna ma codayn.
Madaxweynaha
Koonfur Afrika Oo Cambaareeyay Weerarada Lagu Hayo Dadka Ajnebiga Ah
Ee Dalkiisa Jooga |
Cape Town, May 21, 2008 (W. Wararka) – Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika
Thabo Mbeki ayaa wax laga xishoodo iyo dambi ku tilmaamay weerarada ka
dhanka ah shisheeyaha ee ay ku dhinteen 22 qof ee ka dhacay dalkiisa.
Dadka ugu badan ee Ajaanibka ah ee lagu weeraro dalkaasi ayaa u badan
Soomaalida halkaas ku dhaqan ee ka ganacsata.
Madaxweyne Mbeki wuxuu sheegay Bileysku inay gacanta ku qaban doonaan
dambiilayaasha ku kacaya falalka lagu waxyeelaynayo dadka shisheeyaha ee
halkaas ku dhaqan.
Magaalada xarunta ganacsi u ah dalka Koonfur Afrika ee Johannesburg ayaa
waxaa ka dhacay weeraro loo geystay dadka ajnebiga ah oo lagu boobay
hantidoodii.
Dadka la dhibaateeyay ayaa waxay u badan yihii dad ka soo jeeda dalka
Zimbabwe oo muddo ku dhow 20 sannadood deganaa dalkaas Koonfur Afrika.
Ilaa 3 milyan ayaa lagu qiyaasaa muwaadiniinta Zimbabwe ee ku nool dalka
Koonfur Afrika.
Wasaaradda
Xanaanada Xoolaha Oo Dhakhaatiir Iyo Dawooyin U Dirtay Afar Gobol Oo
Somaliland Ah |
Hargeysa, May 21, 2008 (Haatuf) – Kooxo dhakhaatiirta xoolaha ah oo sida
dawooyinka ayaa shalay galinkii dambe u kala baxay gobolada Saaxil,
Awdal, Hargeysa Iyo Togdheer si ay xoolaha uga soo daweeyaan xanuunada
xoolaha ee xiliga gu’ga marka uu curto ku dhaca, sida Caalka iyo
Shilinta, waxaanay kooxahan gurmadka xoolaha u baxay hawlgalkoodan ku
maqnaan doonaan muddo 25 cisho ah.
Shirjaraa’id oo uu shalay wasiirka Xanaanada Xoolaha Mr Idiris Ibraahin
Cabdi xafiiiskiisa Hargeysa ayaa waxa uu kaga waramay hawlgalka ay
kooxahan dhakhaatiirta xoolaha ahi ugu baxeen goboladaas, kuwaas oo uu
sheegay inay ka soo shaqaynayaan sidii xanuunada xoolaha haya wakhtigan
xaadirka ah ay u soo daweeyaan. Kooxahan gurmadka xoolaha ee shalay ka
amba baxay Hargeysa ayaa waxa uu wasiirku ugu horayn isagoo ka hadlaya
hawlgalkaa uu hadalkiisa ku bilaabay “Nin walba halka uu shaqada ka
bilaabayey inuu caawa seexdo ka Burco ka bilaabaya, ka Saylac ka
bilaabaya nin walba meesha uu shaqada ka bilaabayo inuu caawa seexdo oo
aroorta ka shaqo tago weeyaan. Waxaa maanta nasiib wanaag ka baxay
xaruntan dhexe ee wasaarada xanaanada xoolaha todoba kooxood, lix
kooxood oo sida dawooyin iyo koox kormeer ah oo daba galkiiya waxaa kale
oo baxay wiigan oo sii horeeyey oo la sugi kari waynay kuwan ilaa sadex
dooxood oo hore, kooxaha hore waxaa maalgalisay hayada la yidhaahdo SAB
oo EU-da ah, kuwan maanta baxaya oo ah lix kooxood iyo kooxda kormeerka
oo isku ah todoba kooxood waxaa iska kaashaday howlgalkooda wasaarada
xanaanada xoolaha, ururka dhakhaatiirta madaxa banaan ee ULPA iyo hayada
la yidhaahdo SAHSP oo EU-da ah oo maalgalinta leh sedexdaa haayadood
ayaa iska kaashaday.
Gurmad uma jeedo xanuuno cusub baa dilaacay ama dhibaato cusub baa jirta
waxa weeyaan waxaa la soo maray abaar dheer, abaar dheer baa wadanka ka
dhacday oo waad ogaydeen. hadana waxoogaa roobabku way bilawdeen laakiin
abaartii may bixin oo lama odhan karo waxaa la galay wakhti roob ama Gu,
wali waxaa jirta inuu roobku yar yahay oo teel teel ku yahay wadanka oo
ay meelaha qaar ay wali cabashadii abaartu jirto, markaa waxaa dhaw
inaanu reer miyiga ka caawino dhibaatada ay kaga tagtay abaartii hore ee
dheerayd iyo dhibaatadan had iyo goor marka roobku da’o waxaa la socda
xanuuno cusub. Waxaa la dawaynayaa waa xanuunadii caadiga ahaa maaha wax
cusub waa Caalkii, waa Shilintii waa intii xoolaheena caadiga u ahayd
xanuuno.
Kuwaas ayeynu kala dagaalamaynaa oo reer miyiga ka caawinaynaa, halkan
waxaa yaala dawooyin aad iyo aad qiimo u leh oo dawooyin Europe iyo
maraykan isugu jirta ah, oo aad iyo aad u anfici doona xoolaha lagu
daweeyo. Waxaa qudha ee ay u baxayaan inaan sheego in gurmadkan maanta
ay iska kaashadeen hayadaha wasaarada xanaanada xoolaha, dhakhaatiirta
madaxa banaan ee ULPA iyo hayada maal galisay SAHSP waa mashruuc Eu-da
ah maalgalintu. Kuwaa hore usii baxay ee sadexdaa kooxoodna ah ee wiigan
baxay iyaguna waa hayad kale oo Europe oo la yidhaahdo SAB, markaa
labaduba waa EU-da maalgalintoodu. Kooxaha maanta baxaya waxa weeyi laba
kooxood oo Awdal ah mid horena wuu ka sii horeeyey oo kooxo hore ah,
laba kooxood oo Maroodi-jeex ah Hargeysa, oo kor iyo hoos ukala baxaya,
laba team oo Saaxil ah, laba team oo Togdheer ah, kuwan iyo kuwii hore
marka la isku daro 10 kooxood ayey isku noqonayaan, waxay sidaan
dawooyin, dawooyinkaa ay sidaan waa bilaash reer miyiga waa u bilaash
meeshii ay xoolo bukaa ay joogaan ee ay tagaan iyagaa dawaynaya” ayuu
yidhi Mr. Idiris isagoo intaa ku daray “maanta gurmadkan baxaya waxaa ka
maqan laba gobol waa Sanaag iyo Sool, wiigan soo socda todoba cisho
dabadeed intan in leeg oo kooxood ayaa baxaysa oo ay maal galinayso FAO,
oo inagala shaqayn doonto VET-Aid hayada la yidhaa, waxaana muhiimada la
siin doonaa Sool iyo Sanaag markaa imika wixii ka dambeeya 13ka gobolba
waxaad arki doontaan wasaaradii xanaanada xoolaha oo wareegaysa”.
Waxaa kale oo uu wasiirka xooluhu intaa ku daray ‘hawshaa ay maanta u
baxeen kooxahani waxay ku maqnaan doonaan 25 cisho, laakiin kooxaha
baxaya todobaadka dambe kuwaasi waxa ay ku maqnaan doonaan laba bilood”.
Intaa ka dib su’aalihii ay warbaahintu ay waydiisay iyo jawaabihii uu ka
bixiyey waxa ay u dhaceen sidan:
S: Dawadan aad sheegtay ee $30,000 (Soddon kun oo doolar) imisa qaybood
bay ka kooban tahay laakiin dadkoo dhan ma wada gaadhaysaa?
J: Dawadu waxay ka kooban tahay dawooyin lagu daweeyo cudurada laga
qaado wadankeena sida shilinta, Caalka iyo cudurada kale markaa wadanka
oo dhan waa ay wada gaadhaysaa.
S: Kooxaha aad tirisay ee gobolada u kala baxaya maxaad ku ogaatay in
muddo yar ay ku dhameynayaan ma qiimayn baad ku samayseen?
J: Haa, wasaaradu mar walba wax bay ogtahay dhakhaatiirtana waxa
kaxeysanaya isuduwayaasha Gobolada markaa waxa weeyaan macluumaad la soo
ururiyay oo la isla gartay haya’ada iyo Wasaaradu in sidaa wax loo
bilaabay.
S: Waxa jirta in dhibaatooyin ay haystaan reer miyiga sidaa tii ka
dhacday xeebta oo kale imikana waxa aad sheegtay in aad shilinta ka
daweynaysaan xoolaha markaa wax kale ma u diyaariseen?
J: Waxa weeyaan horta markii ay reer miyigu ku xumayd ee ay ku kululayd
waanu ku dhex jirnay anagu dawooyinka markaa la hayayna midba si bay ku
timid, haday noqoto mid lacag ah iyo mid bilaash ah, khasabna maaha in
reer miyiga khasab loogu daweeyo xoolihiisa imikana dawadu way jabam
tahay oo qof waliba waa uu iibsan karaa.
Hay’adda
HAPA Oo Dawooyin Iyo Qalab Caafimaad Ku Wareejisay Cusbitaalo
Gabiley Iyo Hargeysa Ah |
Hargeysa, May 21, 2008 (Haatuf) – Hay’adda Horn Africa Parents Association
{HAPA} ee fadhigeedu yahay dalka Canada ayaa deeq dawooyin iyo qalab
caafimaad ku caawisay soona gaadhsiisay cisbitaalka Gabiley iyo Horn
Africa Health Care Center Hospital ee magaalada Hargeysa.
Deeqdan oo markeeda hore ay hay’adda International Direct Relief
gudoonsiisay hay’ada Hapa, ayaa Hapa-na ay ugu deeqday oo soo
gaadhsiisay labadan cisbitaal.
Wakiilka hay’ada HAPA ee magaalada Hargeysa Cabadalle Haybe, ayaa
maalintii shalay qalabkan iyo dawooyinkan caawimada ah ku wareejiyay
maamulka cisbitaalka Gabiley oo uu ka socday Ciise Sh Muxumed Warsame
iyo maamulka Horn Africa Health Care Center Hospital Dr Maxamed Axmed {Carabeyte},
waxana halkaa uu ka sheegay Cabdalle Haybe in deeqdan ay Hay’adda HAPA
ku caawisay labada cisbitaal, isaga oo sheegay inaanay ahayn markii ugu
horaysay ee ay hay’adu qalab caafimaad iyo dawooyin ay soo gaadhsiiso
dalka ee wakhtiyo hore ay meelo ka mid ah ku soo caawisay.
Waxa iyaguna halkaas mahad naq ka jeediyay Ciise Sh Muxumed Warsame, oo
ka socday maamulka Cisbitaalka Gabilay isaga oo sheegay baahida loo qabo
qalabkan iyo dawooyinkan isaga aad iyo aad ugu hambalyeeyay
muwaadiniinta caawimadan soo gaadhsiiyay ee gudoonsiiyay.
Sidoo kale Dr Maxamed Axmed {Carabeyte} ayaa isaguna mahad naq iyo
bogaadin u jeediyay muwaadiniinta caawimadan qalabka iyo dawooyinka
caafimaad ka kooban ugu deeqay labada Cisbitaal.
Venezuela
Oo Ku Eedaysay Maraykanka Inay Diyaarad Milateri Oo Uu Leeyahay Ku
Soo Xad-Gudubtay Hawadeeda |
Caracas, May 21, 2008 (W. Wararka) – Dawladda Venezuela ayaa ka dalbatay
Washington inay sharraxaad ka bixiso sababta uu Maraykanku ugu soo
xadgubay hawadeeda.
Diyaarad Militari oo Maraykan ah ayaa la sheegay inay soo gashay hawada
dalka Venezuela maalintii Sabtida toddobaadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Venezuela Nicolás Maduro, ayaa
sheegay inay u yeedhayaan safiirka Maraykanka u jooga caasimadda dalkaas
ee Caracas, Mr. Patrick Duddy si uu sharaxaad uga bixiyo sababta ay
diyaaradda milateri ugu soo xad-gudubtay hawada dalkiisa.
Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ayaa qirtay inay
jirto diyaarad Maraykanku leeyahay oo ku xad-gudubtay hawada dalka
Venezuela, waxaanay ku sababaysay ku xad-gudubkaas inuu keenay khalkhal
dhinaca hagida hawada ah, taas oo ay sheegeen inay hay’adda hawada ee
dalka Venezuela si wanaagsan diyaaradda markii dambe ugu soo hageen inay
dib ugu soo laabato hawada Maraykanka unay soo fadhiisatay madaarkii ay
ka duushay markii hore.
Waxa kale oo ay Pentagon ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray in
baadhis milateri ku wadaan falkan, isla markaana ay natiijo degdeg ah ka
soo saari.
Top
|