Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran Oo Wada-Jir Uga
Qayb-gelaya Xaflad Loogu Wanqalayo Gobolnimada Gabiley
Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Wada-hadalada U
Socda Mucaaradka Iyo Xukuumadda Uu Ka Muujiyey Dabacsanaan Ka Badan Tii
Axmed Siillaanyo Laga Filayey?
Mucaaridku Haddii Uu Aqbalo Damaanad
Ka Yar Dawlad-Wadaag waxay Khiyaameeyeen Taageerayaashoodii
Riyaale Oo Wasiirkii Maaliyadda Ku
Amray Inuu Hortago Guddida Dhaqaalaha Baarlamaanka Kadib Kulan Dhexmaray
Isaga Iyo Shirgudoonka Wakiilada
Golaha Guurtidda Oo Fasax Iska Galay
Iyadoo Xeerar Ka Soo Gudbay Wakiiladuna Ay Horyaaleen
Kulan Lagaga Hadlayay Qorshaha
Caafimaadka Gobolka Awdal Oo Lagu Soo Gebogabeeyey Borama
“Beeshu Waxay Xaq Iyo Xuquuqba U
Leedahay Inay Hesho Gobol”
War-murtiyeed Guddida Horumarinta Beesha Ciida-gale
Siyaasiyiin Iyo Odayaal Reer Hargeysa
Ah Oo Difaacay Eedo Loo Soo Jeediyay Madaxweynaha Iyo Shacabka Djibouti
Kooxda Alshabaab Oo Dooratey Hogaamiye
Cusub
Dal-jire: “Kase Waayeel Wuxuu Waa
Qabaal Waana Kabataane”
“We Love America.”
Magaalooyinka Koonfur Afrika Oo
Qalalaase Iyo Rabshado Hadheeyeen
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wada-Hadalka Uu
Furay Maamulka Somaliland Ee Iyaga Iyo Mucaaridka Xaalad Ku Dhaaf Iyo Dhabo
Waa Midkee?
Ibraahim Nuur Garow.
|
|
Masuuliyiinta Saddexda Xisbi
Qaran Oo Wada-Jir Uga Qayb-gelaya Xaflad Loogu Wanqalayo Gobolnimada
Gabiley |
Gabiley, May 25, 2008 (Haatuf) – Xaflad loogu dabaal-degayo gobolka cusub
ee uu dhawaan Daahir Riyaale u magacaabay Gabiley, ayaa la filayaa inay
maanta isku arkaan madaxda axsaabta qaranka, kuwaas oo si wada-jir ah
uga qayb-gelaya damaashaadka loo samaynayo Gabiley.
Munaasibaddan oo muddaba diyaar-garowgeeda lagu jiray, ayaa maalmihii u
dambeysay dhaqdhaqaaqeeda aad looga dareemayay Degmada Gabiley iyo
caasimadda Hargeysa-ba, iyadoo maamulayaasha maamulka degmada Gabiley
iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Riyaale ay ku hawlanaayeen
qorsheynta xalfadda loogu wanqalayo gobolkaas cusub.
Ilaa hadda waxay wararku sheegeen inay xafladdan ka qayb-galayaan
Shirgudoonka Wakiilada, Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo
labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaridka KULMIYE Axmed Siillaanyo iyo
UCID Faysal Cali Waraabe, Mudaneyaal ka tirsan saddex gole, siyaasiyiin,
madax-dhaqameedyo iyo marti-sharaf kale oo badan.
Ammaanka degmada Gabiley ayaa la sheegay in si xoog ah loo adkeeyay,
iyadoo halkaas la geeyay ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira Bileys
iyo Milateri, iyo weliba ciidamada Sirdoonka, kuwaas oo ilaa shalay laga
dareemayay dhaqdhaqaaqooda.
Maamulayaasha qabanqaabinaya xafladda loogu dabaal-degayo gobolka cusub
ee Gabiley, oo uu ugu horeeyo maayarka Gabiley, Xuseen Jameeco ayay
wararku tibaaxeen inay ku hawlan yihiin sidii aanay mucaaridku saameyn
weyn ugu yeelan lahayn dabaaldegaas iyagoo dhabar ka taabasho ku
bixinayay warqaddaha lagu marti-qaadayo dadka aan ahayn xisbiga UDUB,
sidii ka dhacday xafladdii loo sameeyay gobolka loo bixiyay Selel ee
degmada Saylac, kaas oo masuuliyiin ka tirsan mucaaridka oo u dhashay
degaankaas loo diiday inay ka hadlaan munaasibadaas. Sidaas darteed
waxay kooxdanna ku talo-jiraan inay xadiddaan dhawaaqa mucaaridka,
iyagoo ka cabsi qaba in dhaliilaha Xukuumadda iyo weliba saluug la
xidhiidha dhinaca xuduudda gobolkan Gabiley uu yeelano halkaas laga soo
jeediyo.
Gobolkan oo aanu Riyaale ilaa hadda u magacaabin Badhasaab iyo
degmooyinka hoos imanaya gobolka, ayaa la rumaysan yahay inay dad badan
oo reer Gabiley ahi ay ka biyo diideen sababta loo dhammaystiri la’
yahay dhismaha gobolka, waxayna dad badan oo degan gobolkaas degan ugu
muuqataa in Xukuumadda Riyaale damacsan tahay qorshe ay ku kala
dhantaalayso xuduudaha uu yeelanayo gobolkaasi.
Ma
Dhabbaa In Muuse Biixi Wada-hadalada U Socda Mucaaradka Iyo
Xukuumadda Uu Ka Muujiyey Dabacsanaan Ka Badan Tii Axmed Siillaanyo
Laga Filayey? |
Boorama, May 25, 2008 (Haatuf) – Wararka ka ka imanaya magaalada
Hargeysa soo gaadhaya Boorama ee ku saabsan wadahadalada u socda
xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ah, ayaa la sheegeyaa in
siyaasiyiinta ka qaybgeleysa wadahadaladaasi ay muujiyeen tanaasul ka
badan intii laga filayey qodobada la isku hayo qaarkood.
Sida wararkaasi oo aan la ogeyn xaqiiqdoodu sheegeyaan, waxa
wada-hadalkana ka soo baxay mawqifyo kala duwan oo ay wada hadaladaasi
iska taageen rag siyaasiyiin la filayey inay mawqif adag oo aan
dabacsanaan lahayn ka muujin doonaan marka ay saddexda xisbi ee qaranka
iyo dawladdu isku horfadhiistaan wadahadal la doonayo in lagu dejiyo
xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Inkastoo aan la ogeyn meesha ay marayaan wada-hadaladaasi, balse sida ay
wararka qaarkood sheegeyaan, waxa haatan waanwaanta lagu dejinayo
xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan dawladda iyo axsaabta mucaaradka,
lana filayo inay isniinta ka soo baxaan warar la isla ogyahay, ayaa la
sheegeyaa inuu ilaa imika jawi qarsoodi ah ku socdo, isla markaana
wararka laga sheegeyo ay noqon karaan kuwa been ah iyo kuwa xaqiiqda u
dhaw, wararkaas oo qaarkood sheegeyaan in dhinaca xisbiga Kulmiye uu
haatan soo bandhigay arrimo door ah oo ku dhawdhaw mawqifka ay taagan
yihiin guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo UDUB, halka
xisbiga Kulmiye-na uu labadaasi aad ugu dhawyahay kaddib markii sida la
sheegeyo uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Muuse
Biixi Cabdi uu wada-hadaalkaasi ka muujiyey tanaasul badan oo aanu
raalli ka ahayn guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo.
Sida ay sheegeyaan wararkaasi, waxa dabacsanaanta Muuse Biixi ku timi
ayaa la leeyahay culays kaga yimi dhinacyo badan, maadaama dad badan oo
halkan joogaa aaminsanaayeen in Muuse Biixi noqon karo caqabadda ugu
weyn ee wada-hadaladaasi ka socon waayaan, isagoo lagu tirinayo inuu ka
mid yahay mucaaradka ugu mayalka adag ee faraha baas ku haya xukuumadda
Rayaale, balse haatan u muuqda inuu mawqifkiisaasi iska beddelay.
Muuse Biixi, oo ka tirsnaan jiray ragga ka hadhay saraakiishii SNM, Reer
Booramana u haystaan inuu ka mid ahaa cadwoga ugu weyn ee waayo hore aya
lahaan jireen, ayaa haddii ay dhab noqoto mawqifkiisa wadahadaladan loo
qaadan karaa inuu noqon doono saaxiibkooda ugu weyn mar haddii uu ka
hadhay hadaladii qaadhaadhaa ee uu u jeedin jiray Madaxweyne Rayaale,
isla markaana uu Axmed Siilaanyo ka baajiyey go'aankiisii ahaa inaanu
aqoonsan doonin dawladda Rayaale wixii ka dambeeya 15kii May.
Haddii ay dabacsanaanta Muuse Biixi dhab noqoto, ayaa dad badan oo
halkan joogaa ku nisbeeyeen dhawr arrimood inay ku khasbeen Muuse Biixi
inuu qaado tallaabadan, kuwaas oo kala ah.
1. Muuse Biixi oo ka soo jeeda degaanka Hargeysa, ay salaadiin,
gacansato iyo cuqaal reer Hargeysa ahi kula taliyeen ama ku khasbeen
inaanu burburin barwaaqada halgankii SNM dabadeed ay heleen dadka reer
Hargeysa.
2. Muuse Biixi oo beri dhaweyd ku sigtay in Xukuumaddu xabsiga u
taxaabto, isla markaana uu noqday bartilmaameedka Xukuumadda Rayaale,
isagoon haysan ciidan xoogle oo ka difaaca xukuumadda Rayaale aanu dusha
u ridan doonin eedo kale oo ay qoorta u geliyaan mucaaradka itaalka
daran leh ee uu ka mid yahay hoggaankiisa.
3. Muuse Biixi oo aan Saaxiibadiisii halganka ee ay muddada badan
halganka ku soo wada-jireen kalsooni badan ku qabin, isla markaana aanay
isku san-banaanayn, ayaa la odhan karaa inaanu mucaaridad fool-ka-fool
ah kaga hortegi karin Xukuumadda Riyaale.
Si kastaba ha ahaatee haddii arrimahaas dhaboobaan waxay taasi
noqonaysaa guul hor leh oo ay Riyaale iyo xisbigiisa UDUB ka soo hooyeen
mucaaridka ka soo horjeeda.
Mucaaridku
Haddii Uu Aqbalo Damaanad Ka Yar Dawlad-Wadaag waxay Khiyaameeyeen
Taageerayaashoodii |
Wariye Haatuf
Wada-hadalkii bilaabmay 15-kii May ee u dhexeeyay dhinacyada xukuumadda
iyo Mucaaradka ee ku saabsanaa in wadahadal lagu raadiyo xalinta
caqabadda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aankii Guurtidu muddada ugu
kordhisay kursiga madaxweynaha ayaa waxay u muuqataa in tanaasulaad
badan uu sameeyay mucaaridku, gaar ahaan xisbiga Kulmiye.
Maanta waxa laga joogaa 10 cisho tan iyo maalintii ay dhamaatay mudadii
5-ta Sannadood ee Riyaale sharciga ku haystay kursiga madaxtooyada
Somaliland, hadana may dhicin mudaaharaadadii ay mucaaradku ku balan
qaadeen in lagu muujiyo inaanay shacbigu raali ka ahayn muddo kordhinta
Guurtida oo ah mid aan sharciga waafaqsanayn.
Sababta oo ah Kursiga Madaxweynaha waxa mudada loogu kordhin karaa
keliya haddii xasilooni daro dhacdo iyo haddii uu jiro heshiis loo dhan
yahay oo dhinacyada mucaaradka, xukuumadda iyo Komishanka doorashooyinka
Qaranku isla waafaqaan.
Haddaba Heshiiskaasi oo aan jirin iyo dalkii oo xasiloon ayuu haddana
Riyaale muddo kordhin jujuub ah ka soo qaatay Guurtida oo iyaduna
gudaysay abaalkii hore Riyaale ugu kordhiyay 4-ta Sannadood. Tani waxay
noqotay murug siyaasadeed oo sababay:
• In shacbigu ka xumaadeen qodobka xasilooni darada ee ay Guurtidu u
daliishatay muddo kordhinta Riyaale iyadoo Wadanku ammaan yahay ayaa
waxay cadaymo qayaxan u noqotay inaanay Guurtido dan ka lahayn
sharciyadda Dalka iyo sumcadda aayaha danbe toona.
• Xataa in deeq-bixiyeyaashii ay dib ula noqdaan kaalmadii lacageed (16
Malyuun USD) ee ay ku kharash-garaynayeen hawlaha diiwaan gelinta.
• In xisbiyada mucaaradku ay diidmo adag ka muujiyaan kuna balan qaadeen
mudaaharaadyo salmi ah iyo inaanay u aqoonsan doonin Riyaale Madaxweyne
mudadiisii dabadeed (15/05/2008).
• Kala shaki wayn oo ay luntay kalsoonidii yarayd ee awalba laga qabay
inuu Riyaale ku dhaqmayo qodobada yar ee hore dastuurka uga dhaqan galay
oo ah qabashada Doorashooyinka.
• In gudo iyo debedba ay dadbadani walaac ka muujiyaan xaaladda sii
cakirmaysa ee ka bilaabantay dhamaadka mudadii Riyaalae iyo heshiis
la’aanta dhinacyada khuseeya Siyaasadda dalka, taas oo sababi karta
xasilooni darro galaafata nabada iyo degenaan shaha.
• Cadaw badan oo ku farxay talaabadani tahay nasiib daraddii u waynayd
ee soo marta taariikhda siyaasadda Somaliland oo ah (kelitalisnimo).
Kuma koobna inta aynu kor ku soo sheegnay arimaha Somaliland kaga
baylahaya kursi jacaylka Riyaale, waxaanay noqotay bar madow oo ku taala
taariikhda geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
Tanaasulaadka lama filaanka ah ee Mucaaridka, gaar ahaan xisbiga Kulmiye
uu ku dabciyay go’aankiisii adkaa ee ahaa inaanay Riyaale u aqoonsan
doonin Madaxweyne ka dib mudadiisii iyo iyagoo ka baaqsaday inay
shacbiga ugu baaqaan mudaaharaado salmi ah ayaa waxa la odhan karaa
malaha mucaaridku waxay tix geliyeen inay badbaadiyaan dhalinyarada
mudaaharaadka salmiga ah qaban lahayd in ay sidii caadadu ahayd askarta
xukuumaddu ku toog-toogan doonto suuqa badhtankiisa, taas bedelkeedana
waxay ka doorbideen:-
• inay wada-hadal la yeeshaan nin aan sharciyan Madaxweyne ahayn.
• Inay dhib yari uga aqbalaan Riyaale inaanu shacbigu noqon markhaati
kala saara kooda candadawlaya wada hadalka waayo marnaba may dhicin
Riyaale iyo iyaga oo wada-jir warbaahinta u siinaya qodobada ay isla
qaateen. Dhinaca mucaaradka ayuun baaba sheegayay inay qodobo ka
sugayaan saddexdii ayaamood ee tegay.
• Inay Judhii horeba aqbalaan in Komishanka aan miisaanayn ee ka kooban
4-ta nin ee Riyaale iyo Guurtidu soo magacaabeen ay kordhiyaan muddada
qabashada doorashooyinka, iyagoo la beegsaday xiliga qayral dastuuriga
ah ee guurtidu hore u qabatay ee ay mucaaridku diideen.
• Inay damaanada sharci xilligan doon-doonaan iyagoo og dhamaan
dastuurka qodobadiisa in laga dhaqan geliyo keliya inta faahfaahisa
awoodaha madaxtooyada ama dani ugu jirto Riyaale.
• Xataa waxay ogolaadeen inuu kulanada wada wada-hadalku Madaxtooyada
gudaheeda ku qabsoomaan, iyadoo cid u dhexaysaa jirin oo hadhow
markhaati ka noqota qodobada laysla qaato in dhinac fuliyo haddii uu
fulin waayo.
Dad badan oo ka mid ah taageerayaasha Mucaaradka ayaa si wayn u
saluugsan tanaasulaad caynkaas oo kale ah ee ay Mucaaradku sameeyaan
iyadoo aanay haddana muuqanin wixii ay ku doorsadeen, taas oo aan dad-weynahana
loo sheegin wax ay si wada jir ah u soo wada saareen xukuumadda iyo
mucaaradku ee aan ahayn wada hadal baa noo socdo. Sidani waxay wax yeelo
wayn gaadhsiinaysaa keliya shacbiyadda Mucaaradka oo laga yaabo inay
yaraato kalsoonidii awal hore loo hayay, una muuqan doona hoggaamiyeyaal
doorkooda siyaasadeed liito ama aan lahayn himilo fog oo ay kula hirdami
karaan dhigooda loolanka talada dalku ka dhexeeyo.
Mar kasta oo Riyaale uu ku dhaco godan hoose waxa xadhig kooraan kaga
soo jilaaba xisbiyada mucaaradka, arrintooduna waxay noqotaa fulow guuli
kuu dhawaydaa.
Sida la filayo maanta Axadda 25-May ayaa loo balansan yahay wareegii
afraad ee wada hadalka in lagu qaadaa-dhigo ‘waar yaa ina gaadhsiinaya [doorashooyin],
maamulka ina gaadhsiinayaa noocee ayuu noqonayaa, waa qodob noo laaban’
Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda 20-May.
Marka la eego sida masuuliyiinta Kulmiye tibaaxeen Wareegan afraad ka
ugu muhiimsan dhinaca xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda mid aanu sidaasi
Riyaale xiise badan ugu sii hayn, maadaama ay durtadiiba hore ula
qaateen qodobkii Riyaale u baahnaa oo ah isla beegsiga wakhtiga
komishanka iyo Guurtida. Waxaynu ogayn inuu Riyaale
qadarin waayay ergadii bir-ma-geydada ahayd ee dhexdhexaadintii u
danbaysay ee Gudoomiyaha Wakiilada iyo tii ka horaysay ee Culimada iyo
Abwaanada, sidaa daraadeed, ma jirto damaanad sharci oo ka yar in la
abuuro dawlad wadaag sidii tii Odinga-ha Kenya oo ahayd ‘Ra’iisal
wasaare cusub oo Mucaarid ah’ ama ugu yaraan inuu xisbiga KULMIYE qaato
3-da Wasaaradood ee Arimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Warfaafinta. Wixii
intaa ka yar ee Kulmiye aqbalaa waxay ka dhigan tahay khiyaamo laga
galay shacbiga uu xisbigu wakiilka ka yahay.
Si kastaba ha ahaato’e waxa lama huraan ah in Kulmiye iyo UCID ay mar
kale isugu yeedho dadka mudaaharaad balaadhan oo dalka oo dhan lagaga
muujinayo awooda shacbiga, taas la’aanteed lagama yaabo inuu Riyaale
mucaaradkiisa u muujiyo dabac siyaasadeed haddii uu burburo wada hadalka
galabta loo balansan yahayna waxay noqonayasaa bahdilaad siyaasadeed iyo
karaamo beel ay xisbiyada mucaaradku la noolaan doonaan inta ka hadhay
mustaqbalka dhaw. Cidina ka asmici mayso sidaas baanu islahayn ummadday
dan u tahay.
Riyaale
Oo Wasiirkii Maaliyadda Ku Amray Inuu Hortago Guddida Dhaqaalaha
Baarlamaanka Kadib Kulan Dhexmaray Isaga Iyo Shirgudoonka Wakiilada
|
Hargeysa, May 25, 2008 (Haatuf) – Shirgudoonka Golaha
Wakiilada Somaliland iyo Madaxweynaha muddadii sharciyadiisu dhammaatay
Daahir Riyaale Kaahin, ayaa shalay la sheegay inay isla qaateen in
wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale maanta hortago guddida Dhaqaalaha
Golaha Wakiilada oo hadda gacanta ku haysa Odoroska Miisaaniyadda
Dawladda ee 2008, isagoo wasiirku dhawr jeer oo hore ka baaqsaday inuu
ajiibo yeedhmo ay guddida Dhaqaaluhu kaga soo dalbatay inuu hortago.
Shirgudoonka Wakiilada iyo Riyaale ayaa kulankoodii labaad oo ay shalay
ku yeesheen Madaxtooyada, waxay wada-hadal wakhti gaaban qaatay kaga
wada-hadlay dhibaatada ka dhalan karta diidmada wasiirka Maaliyaddu u
diiday inuu guddidaas hortago, taas oo ah qodob dastuuri ah.
Ma jiraan warar rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay, hase yeeshee ilo
xog-ogaal ah oo ku dhowdhow Madaxtooyada, ayaa tibaaxay in Shirgudoonku
kulankoodii dorraad u gudbiyeen Daahir Riyaale warqad qoraal ah oo ay ku
sharxayaan cawaaqib-xumada ay yeelan karto qodobka dastuuriga ah ee
wasiirka Maaliyadda iyo guud ahaan masuuliyiinta xukuumaddu ay
jebinayaan marka ay diidaan yeedhmada golaha Baarlamaanka, taas oo uu
dastuurku jideeyay in golaha Wakiiladu u yeedhi karo masuuliyiinta
Xukuumadda si wax looga weydiiyo hawlaha ay u hayaan qaranka.
Riyaale ayaa la sheegay inuu garowsaday dacwadda uga timi dhinaca
shirgudoonka Wakiilada ee la xidhiidha wasiirka Maaliyadda ee diiday
inuu hortago guddida dhaqaalaha, waxaanay wararku intaas ku dareen inuu
amar ku siiyay wasiirka Maaliyadda inuu maanta hortago guddida
dhaqaalaha ee golaha Wakiilada si wax looga weydiiyo Odoroska
Miisaaniyadda, taas oo marka horeba muddo-dhaaf ahayd oo uu bishan May
horaanteedii golaha horgeeyay. Hase yeeshee ismaan-dhaafka ugu weyn ee u
dhexeeya guddida dhaqaalaha iyo wasiirka Maaliyadda ayaa ah cashuuro ku
jira Miisaaniyadda aan weli la ansixin oo la kordhiyay, isla markaana uu
wareegto wasiirku ku dhaqan-geliyay.
Waxa kale ay ilaha warkan laga helay sheegeen in shirgudoonka Wakiilada
iyo Riyaale sidoo kale ka wada-hadleen wada-shaqaynta u dhexeysa labada
gole ee Xukuumadda iyo Wakiilada oo tan iyo bilowgii uu hawl-galay
golaha Wakiilada ee la soo doortay ahayd mid muran iyo khilaaf hadheeyay,
taas oo Xukuumadda Riyaale ayaa dagaal cir iyo dhul ah ku qaaday golaha
Wakiilada kadib markii ay gudoonka golahaas ku guulaysteen Axsaabta
Mucaaridka ah, waxaanu warku tibaaxay in labada dhinac ay isla
meel-dhigeen in wada-shaqaynta labada gole dib loo abuuro si hawlaha
dawliga ahi u noqdaan kuwo meel-mar ah, iyadoo dhawr jeer hore ay kulamo
lagu wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya golaha Wakiilada iyo Xukuumadda ay
isku soo horfadhiistay Riyaale iyo shirgudoonka goluhu kuna heshiiyeen
in wada-shaqayn joogto ahi ay dhexmarto, haddana may dhicin marnaba in
wada-shaqayntaasi noqoto mid taaba-gal ah, iyadoo mar walba dhinaca
Xukuumadda ay ka yimaadaan balan-furyada wixii lagu heshiiyay.
Lama ogga in wasiirka Maaliyaddu uu fulin doono amarka Riyaale oo uu
maanta hor iman doono, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay meesha
yaalaan arrimo kale oo hoose oo ay isku khilaafsan yihiin guddida
dhaqaalaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyaddu, kuwaas oo aan weli soo
shaacbixin. Top
Golaha
Guurtidda Oo Fasax Iska Galay Iyadoo Xeerar Ka Soo Gudbay
Wakiiladuna Ay Horyaaleen |
Hargeysa, May 25, 2008 (Haatuf) – Golaha Guurtida Somaliland ee muddadii
sharciyadoodu dhamaatay ayaa fadhigoodii shalay galay fasaxii gunaanadka
kal-fadhiga 35aad oo muddo laba toddobaada muddo dhaafka ahaa, hase
yeeshee uu ku simaha gudoomiyaha Golaha guurtidda Sheekh Axmed Sh. Nuux
uu ka gaabsaday kalfadhigii aan caadiga ahayn ee bilaa muddada ahaa ee
goluhu galay laba todobaad ka hor, kaas oo aanu soo hadal qaadin
waxyaalihii muddadaasi loo kordhiyey balse uu si rasmiya ugu dhawaaqay
in goluhu muddo 30 maalmood fasax ahaan doono, iyadoo ay wakhtigan
xaadirka ahna ay golaha horyaaleeen xeerarka komishanka xuquuqal
Iinsaanka, wax ka bedelka habka doorashada golayaasha deegaanka xeer Lr
20 oo ay wakiiladu soo ansixiyeen.
Fadhigan shalay oo uu gudoominaayey guddoomiye ku xigeenka kowaad ee
golaha guurtidda Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre ayaa waxaa uu
mudaneyaashii madasha fadhiyey ka soo xaadiray u sheegay kalfadhigii
35aad ee goleha guurtidda oo bilowday 12 -kii February 2008, uu soo
gabagaboobay isagoo intaa ku daray in laba todobaadna uu muddo dhaaf
ahaa sidaa darteedna goluhu gali doono fasaxii kalfadhiga 35aad oo dhan
muddo 30 maalmood ah haseyeeshee Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre ma xusin
kalfadhigiisii aan caadiga ahayn ee bilaa mandate-ka ahaa ee madasha
fadhiga uu kaga dhawaaqay 10 kii bisha may 2008, oo uu ku tilmaamay in
muddadaasi goluhu ku dhameyn doono hawlaha u yaalla, iyadoo isla
fadhigaasna mudanayaasha loogu qaybiyey nuqul ka xeerka komishank
xuquuqal iinsaanka oo ay golaha wakiiladu markii ay soo ansixiyeen usoo
gudbiyeen guurtidda taas oo shirgudoonkuna ay xeerkaasi u gudbiyeen
guddida shuruuucda guurtidu inay muddo laba maalmood naaqishaad ku soo
sameeyeen hase yeeshee xeerkaasi komishanka xuquuqal iinsaanka oo la
filaayey in arbacaddii todobaadkii hore guddidaasi golaha horkeento si
markaasi goluhuna dood uga yeesho ayaan suurtagel noqon in xeerkaasi
guurtidu doodiisa gudda gasho iyadoo muddo laba todobaadana xeerkaasi
golaha guurtidda horyaalay, isla markaana aanu shirgudoonku wax
sharaxaadda aanu ka bixinin, halka ay xeerkaasi iyo guddidaasi shuruucda
ee loo dhiibey ku dambeeyeen, iyadoo uu jireyna xeerka wax ka bedelka
doorashada golayaasha deegaanka oo ay wakiiladu ku soo ansixiyeen 59
mudane.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure uu
fadhigaasi kaga dhawaaqay fasax dhan muddo 30 maalmoodda, isagoo
tibaaxayna in xeerar golaha wakiiladda ka soo gudbey ay golaha
horyaaleen sheegayna in kalfadhiga 36aad goluhu gudda geli doono.
Kulan
Lagaga Hadlayay Qorshaha Caafimaadka Gobolka Awdal Oo Lagu Soo
Gebogabeeyey Borama |
Boorama, May 25, 2008 (Haatuf) – Kulan balaadhan oo Muddo 3 maalmood ah u
socday Hayadaha Caalamiga ah ee la shaqeeya caafimaadka dowlada
Somaliland heer qaran iyo heer gobolba, Masuuliyiin ka socotay xarunta
dhexe ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada ee Jamhuuriyada Somaliland
iyo Masuuliyiinta Caafimaadka G/Awdal iyo dhamaan madaxda MCH-yada
gobolka Awdal ayaa shalay lagu soo gabogabeeyey hotel Rays ee magaalada
Borama.
Kulankan oo si qoto dheer loogu falanqeeyey waxii dhibaatooyin ee jira
iyo sabobaha adeegyada Caafimaadka iyo talaalku ay u gaadhi lahaayeen
goobaha Miyiga ah ee degaanada Buuralayda iyo banaankaba ku nool oo inta
badan aan helin daryeel caafimaad iyo sidii loo balaadhin lahaa
caafimaadka.
Waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha qorshaynta ee wasaarada Caafimaadka
iyo shaqada Jamhuuriyada Somaliland khadar Maxamuud Axmed waxuu sheegay
inuu ahaa wada tashi balaadhan oo uu dhexeeyey hayadaha caalamiga ah
wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland iyo Shaqada heer
qaran,heer gobol iyo madaxda Xarumaha MCH-yada ka howl gala ee G/Awdal.
Waxuuna intaasi sii raaciyay in lagu lafo guray sidii loo tirtiri lahaa
dhibaatooyinka hor taagan adeegyada caafimaadka in goobaha miyiga ah la
gaadhsiiyo waxuuna sheegay in Hayadaha Caafimaadka la shaqeeya ee
caalamiga ah ay ka ogolaadeen in muddo 30 maalmood ah talaalka laga wado
degaanadaasi kala duwan taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aad
waxtar u yeelanaysa laakiinse muu sheegin in awal saddex maalmood oo
kaliya talaalada lagaga shaqayn jiray.
“Beeshu
Waxay Xaq Iyo Xuquuqba U Leedahay Inay Hesho Gobol”
War-murtiyeed Guddida Horumarinta Beesha Ciida-gale |
Hargeysa, May 25, 2008 (Haatuf) – “Waxay beeshu si buuxda u go’aansatay
in sida ugu dhakhsaha badan uguna suurta galsan loo baadi doono Gobol
cusub oo magaciisu yahay Gaaroodi, magaalo madaxdiisuna tahay Sallaxley”.
Sidaa waxaa lagu sheegay war murtiyeed ay guddi magaceeda la yidhaahdo
guddida horumarinta beesha Ciida-gale ka soo saartey shir Khamiistii ay
guddidu ku qabatay magaalada Hargeysa.
War-murtiyeedkan waxaa lagu sheegay in shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen
dad gaadhaya 200 oo qof oo isugu jiray xubnaha golayaasha Qaranka beesha
kaga jira, madaxdhaqameeyo, ganacsato, Culima’udiin, aqoonyahan,
dhalinyaro iyo mujaahidiin, iyo qaybaha kale ee bulshadda, ay ku lufo
guratay beeshu laba qodob oo kala ah Nabadgelyadda iyo in gobol loo
magacaabo, iyaddoo sida war-murtiyeed kaa lagu sheegay ay beeshu si
buuxda isugu raacday illaalinta iyo adkeynta nabadgelyadda iyo in si
dhakhso ah loo baadi doono gobol cusub oo magaciisu yahay Gaaroodi,
magaalo-madaxdiisuna tahay Degmadda Sallaxley.
War-murtiyeedkan oo ay wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyey Gudoomiyaha iyo
qaar ka mid ah xubnaha guddida Horumarinta Beesha Ciidagale ayaa u
qornaa sidatan: “ Shir-balaadhan oo ku qabsoomay magaaladda Hargeysa,
22-ki May 2008, shirkaas oo ay ka so qaybgaleen dad tiradoodu gaadhayso
200 oo qof oo isugu jira qaybaha bulshaddu ka kooban tahay sida xubnaha
golayaasha qaranka beesha kaga jira, Madax-dhaqameedyo, aqoonyahan,
ganacsato, Culima’udiin, odayaal, qurba joog, ardayda Jaamacadaha,
ururada dhalinyaradda, mujaahidiinta iyo qaybaha bulshada ee kala duwan.
Waxay beeshu si mug iyo miisaan leh u lafa gurtay, dood iyo falanqayn
dheerna ka yeelatay ka yeelatay arimaha beesha guud ahaan, gaar ahaana
labadda qodob ee kala ah:
Nabadgelyadda iyo Gobolka cusub ee gaaroodi.
1. Nabadgelyadda: Nabadgelyadda oo ah tiirka ugu ada ee ay ku taagan
tahay bulshadda reer Somaliland waxay beeshu si buuxda isugu raacday in
si hagar la’aan ah labada laysugu geeyo ilaalinta iyo adkaynta nabad
galyadda sidoo kale beeshu waxay isla qaadatay inay jaararka iyo
deriskeedda kula noolaato si nabad ah, walaaltinimo iyo gacaltooyana leh,
taasoo beesha caado u ah.
2. Gobolka Gaaroodi iyo Degmooyinkiisa: Waxaa kale oo ay beeshu si
buuxda u go’aamsatay in sida ugu dhakhsaha badan uguna suurta gelsan loo
baadi doono gobol cusub oo magaciisu yahay Gaaroodi magaalo madaxdiisuna
tahay Salaxley, taas oo ay beeshu u aragtay in ay xaq iyo xuquuqba u
leedahay in ay hesho gobolkaa cusub ee Gaaroodi iyo degmooyinkiisaba.
Haddaba hawshaas waxaa loo xilsaaray guddi kooban oo ka midho dhalisa
iyadoo loo marayo dariiqa ku haboon.
War-murtiyeedka waxaa soo saaray guddida horumarinta Beesha Ciidagale oo
ahayd guddida qabanqaabisay shirkan.
1. Cabdilaahi Siciid Ismaaciil, Gudoomiye.
2. Cabdiqaadir Aw Faarax, Guddoomiye Xigeen.
3. Axmed Cabdilaahi Xayd, Xoghayn.
4. Caqil Cabdiwali Jaamac, Xubin.
5. Sul: Cali Barre, Xubin.
6. Deeq Cabdi Xasan, Xubin.
7. Axmed Maxamed Omaar, Xubin.
8. Ismaaciil Jaamac Malow, Xubin.
9. Cadaani Xasan Cige, Xubin.
10. Rashiid Aw Yuusuf, Xubin.
Siyaasiyiin Iyo Odayaal Reer Hargeysa Ah Oo Difaacay Eedo Loo Soo
Jeediyay Madaxweynaha Iyo Shacabka Djibouti |
“Adigoo Masuuliyad Intaa Le’eg Haya Maaha Inaad Jamhuuriyadii Aad Ka
Tirsnayd Dhaafto Oo U Talowda Mid La Aqoonsan Yahay”
Hargaysa, May 25, 2008 (Haatuf) – Xubno isugu jira siyaasiyiin iyo odayaal
ayaa jawaab ka bixiyay eedo kulul oo uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal
Cali Waraabe u jeediyay Xukuumadda Djibouti iyo Madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geelle, waxaanay ku dhaliileen eedaha uu dawladda Djibouti u soo
jeediyay oo ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin oo aanay Djibouti
ahayn weyn cadowga Somaliland balse dawladda iyo shacbiga Djibouti ay
yihiin dad ay Somaliland walaalo yihiin.
Masuuliyiintani waxay sheegeen in aanay labada shacbi ee Somaliland iyo
Djibouti aanay waxba ku kala duwanayn, isla markaana Djibouti wax ay
Somaliland tarto mooyee aanay waxyeelo u geysan.
Sidaana waxaa shir jaraa’id ka sheegay wasiiradii hore ee Daakhiliga,
Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Duulista Hawada, Abiib Diiriye Nuur (Timacadde),
Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif), Oday Cabdillaahi Cabdi Xawaareeye
iyo Oday Xasan Cali Weyd, kuwaas oo si weyn u difaacay shacabka iyo
Madaxweynaha reer Djibouti, isla markaana si adag u naqdiyay eedaymo uu
Faysal Cali Waraabe u jeediyay Madaxweynaha Djibouti ee Ismaaciil Cumar
Geelle.
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo cadde)
isaga oo ujeedada shirkan jaraa’id ay u qabteen sharaxaad ka bixiniya
ayaa waxa uu yidhi “Beryahan dambe sida la wada socotaan warbaahinta rag
waaweyn oo siyaasiyiinta qaarkood ayaa marka ay hadlayaan carabka waxa
kaga soo dhaca in dawladda Jabuuti iyo madaxweynaheedu ay Somaliland
cadow ku yihiin, haday tahay halgankii iyo hadday tahay intan aynu ku
soo noqonay ee dawladnimadda samaysanay, taas waxaan leeyahay oo aan
reer Somaliland u sheegayaa in aanu sheegno in aan dawladda Jabuuti iyo
madaxweynaheedu iyo masuuliyiinteedu aanay dalkan Somaliland cadow ku
ahayn ee ay walaalo yihiin, wada dhasheen oo wax farqiya oo ay
leeyihiina jirin, waxbadan oo dawlada jabuuti ama shacbigeedu dalkan
tareen oo aanu jecelahay inaanu halkan ku sheegno, kolayba raga
xogogaalka ah ee haday tahay taakulayn iyo haday wax tar ay inoo
lahaayeen balse aanay jirin in Jabuuti cadow ku ahayn Somaliland.
Arimahaana ragii xog-ogaalka ahaa ayaa ka hadli doona oo uu ka mid yahay
Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo xilligii halgankii ahaa kana mid
ahaa taliyayaashii waaweynaa ee halgankii 1989-kii ka socday oo joogay
xeebaha galbeed ayaa sheegi doona, waxa ay dawladda jabuuti ina tartay
iyo waxa ay inoo samaysay inaanay cadow inagu ahayn iyo sida ay halganka
uga qayb galeen ayaan jecelahay in aan faahfaahin ka bixiyo, Mujaahid
Jidhif ha inoo sheego,” ayuu yidhi isagoo sheegay in uu ahaa xiligaa
halganka masuulkii u qaabilsanaa ururka SNM isku xidhka iyo taakuleynta
xeebaha galbeed oo wakhtigaa ahaa foront-ka Xeebta.
Mujaahid Maxamed Xasan Jidhif, oo hadalka la wareegay ayaa isna yidhi
“Imika waxaa soo dhow 26 juun Somaliland xornimadda qaadatay iyo 27 June
oo gobonimadda Jabuuti qaadatay waa labadaa maalmood ee isku xigga,
horta shacbiga reer Jabuuti waxaanu ku hambalyeynaynaa in ilaahay
sanadka sanadkiisa bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo sanad guuraddii
32aad ee gobonimada ay qaateen.
Somaliland waxa ay soo martay wakhtiyaal adag, wakhtiyadaa ayaa hiil u
ahaa oo wax laqabtay oo lagu badbaaday dawladda Jabuuti iyo dadkeeedu
qayb laxaad leh ayey ka qaadatay, sida uu Abiib sheegay anigu waxaan
ahaa taliyihii guutadda 99aad ee xeebaha laga furay, taariikhda haddii
been laga sheego waa mushkilad dadka reer jabuuti Somalilandna way
degaan oo wa beel ka mid ah, dawladana way ku jiraan, Baarlamaankeena
iyo Guurtideena way ku jiraan, Jabuuti wakhtigii adkaa ee ina soo maray
ee la wadda xasuusan yahay ee digteytarku ina haysatay shuuciyadiina
haysatay, jabuuti iyo dadkeeduba waxbay ina tareen, anigu waxaan qabaa
haddii aan furin forta ka xeebaha galbeed in halganku inagu dheeraan
lahaa, Abiib wuxuu markhaati iiga yahay in guddoomiyihii SNM Axmed
Siillaanyo uu la hadlay Ismaaciiil Cumar Geelle oo yidhi waar waxaanu
doonaynaa inaanu ka furno xeebaha meelo aanu ka dagaalano waxaanu
doonaynaa inaad na caawisaan, wuxuu ku jawaabay oo markaa madaxweyne
aanu ahayn ee uu ahaa madaxa siyaasada ee madaxtooyadda iyo maamulka
waxaa uu ku jawaabay, wax alla wixii maanta wax idiin taraya hadday dad
tahay, hadday hadal tahay iyo hadday wax walba tahay diyaar baanu
idiinla nahay cidaad soo dirtaan” ayuu yidhi Muj. Jidhif.
Waxaanu intaa ku daray “maadama Abiibow aydaan idinku taakulayn na soo
gaadhsiin karayn oo aynu kala xidhnayn dee dawladdii intii le’ekayd baa
ina haysataye markaa waxay noqotay inuu sidaa noogu jawaabo ee wuxuu
yidhi wax alla wixii aad u baahan tahataan ee aad nooga baahataan diyaar
baanu idiin la nahay, laakiin dawlad baanu nahay haddii aad wax gar-garan
waydaan dee raali ahaada oo halgankii kamaanu bixin.
Waxaanu halkan ka sheegayaa Ismaaciil Cumar Geelle taakuleynta SNM wax buu
ka bixin jiray,Xabiiba Idiris Guuleed oo Xasan Guuleed adeer u yahayna
dirica dumarka ayey iyaduna qaabilsanayd, oo taakuleynta dadkii ka qayb
galay ayey ahayd, Beesha Ciise waa beeshii ugu horeysay Soomaali ka soo
hadhay ee halgankeenaa taageertay ahayd.
Haddii aduunyada taariikhda wax iska sheegi waayana waxaad moodaysaa
inaan abaal jirin, haddii aanay Jabuuti jirin oo qaxootigeenu tegin, oo
taakuleynta halkaa laga soo bixinayn foruntii laga furay xeebta
suurtagal sinna umay noqotayn markay sidaan tahay waxaad u soo
dhoweynaynaa Jabuuti inagoo dhibaataysan, inagoo laynaga xoog badan
yahay inakoo Soomaali iska keenraacday ayey ina raaceen markaa maanta oo
aynu barwaaqo ku jirno oo xornahay caqligal ma’ aha Jabuuti iyo
madaxweynaheeda ayaa Somaliland cadow u ah” ayuu yidhi Muj. Maxamed
Xasan Jidhif.
Intaa ka dibna waxaa isna halkaa ka hadlay Cabdilaahi Cabdi Xawaareeye,
waxaana hadalkiisii ka mid ahaaa “Maaha in aanu u hadalno oo Xisbi hebel
oo Jabuuti u hadlaya, inaanu u hadlayno koox qolo ka soo horjeeda,
waxaanu u hadlaynaa waxyaabaha anaga iyo Jabuuti naga dhexeeya waxaa
weeyaan anigu waxaan ahayn nin geesna reer Jabuuti ka ah geesna reer
Somaliland ka ah, markaa u horeysa Somaliland iyo Jabuuti laba maamul
iyo laba magac uun bay kala leeyihiine waa mid qofka u haysta inay laba
kala yihiin wuu qaldan yahay, anigu wixii ka dhacay markaa uu Kornayl
Jidhif taliyaha ka ahaa xeebta anigu waxaan ahaa odayaasha Jabuuti
qaxootinimada ku tagay, waxaan garanayaa inaanu dirno taakuleyn raashin
ah ka dib waxaanu u tagnay ina Cumar Geelle. Waxaanu nidhi dooni raashin
iyo shidaal sida ayaanu inaanu Lawyo caddo gayno’e maxaanu yeelaa,
ciidan buu nagu daray noo Rara,” ayuu yidhi.
Oday Xasan Cali Weyd, ayaa isna halkaas ka yidhi “Shacbiga reer
Somaliland iyo shacbiga reer Jabuuti inaanay waxba kala ahayn sababtoo
ah shaqsi kasta oo reer Somaliland ah walaalkiibaa jooga, adeerkiibaa
jooga, waxaan halkaa ka cadaynayaa inaanay magacyada kala duwan ee
Jabuuti iyo Somaliland ah mooyaane danta shacabka iyo joogitaanka
shacabka aanay midnaba ku kala duwaneyn sidaa darteed haddii laga sheego
dad reer Somaliland ah oo Jabuuti cadow ku sheega ama dal kale ku sheega
ama aflagaado u geysta somalidu waxay tidhaahdaa nina afkiisa lagama
xaal siiyo, wax jirase maaha, wax laysu raacsan yahay maaha.”
Ugu dambayntiina wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan
Cismaan, oo halkaas isna ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Jidhif iyo Abiib
Time-cadde iyagu waa niman mujaahidiin ahoo halgankii ku jirey, laakiin
waxyaabalaha layaabka leh waxaa ka mid ah, had iyo jeer iyagu waxay
yidhaahdaan anagu cidna daari mayno, cidna taaban mayno, ee waxaa
weeyaan ninka gudoomiyaha ka ah xisbiga Ucid Faysal sidiisaba wuu iska
dhac-dhac badan yahay dhac-dhacuna ma wanaagsana haddii aad masuul tahay,
oo waa masuul xisbi Qaran markaa sideedaba ayaanay haboonaynba adiga oo
masuuliyad ilaa xadkaa haya inaad dhaafto Jamhuuriyadii aad ka tirsanayd,
oo hadana Jamhuuriyad kale oo madaxbanaan oo caalamku aqoonsan yahay ay
tahay inaynu inagu mar walba sasabano, aynu barino oo danteena ka raacno,
markaa inaad had iyo jeer gujiso looma baahna” ayuu yidhi Ismacaal Aadan
Cismaan.
Kooxda
Alshabaab Oo Dooratey Hogaamiye Cusub |
Muqdisho, May 25, 2008 (W. Wararka) – Kooxda Islaamiga ah ee lagu
magacaabo al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa la sheegay inay
hogaamiye cusub doorteen, ka dib markii horayntii bishan weerar duqayn
ah ay maraykanku ku dileen hogaamiyihii kooxdan Aadan Xaashi Cayrow.
Shir maalmihii u dambeeyey ay kooxda al shabaab ku lahayd meel aan
magaceeda la sheegin oo ku taal gudaha somaaliya ayaa la sheegay in
hogaamiye cusub loogu doortay nin magaciisa lagu soo gaabiyey Abu Saliim.
Magacan cusub ee hogaamiyaha kooxda al shabaab ayaa ah mid ku cusub
dhegaha dadka soomaalida ah, hase yeeshee waxay kooxdani sheegtay, in
magacani yahay mid lagu ilaalinayo hogaamiyaha cusub oo si weyn ay u
raad gurayaan maraykanka iyo dawlada Itoobiya oo ay ka dhexeyaan dagaal.
Ninkan cusub ee lagu magacaabo Gen. Abu Saliim ayey kooxda Al-shabaab
sheegtay inuu yahay ninka bedeliya hogaamiyihii hore ee kooxda, Aadan
Xaashi Cayrow oodhowaan ku geeriyooday duqayn maraykanku ka geystay
magaaladda Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya.
Dal-jire:
“Kase Waayeel Wuxuu Waa Qabaal Waana Kabataane”
“We Love America.” |
Qore: A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan
kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku
sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba
saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana
loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay
diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay
daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay
diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo
duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay.
Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow
mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Waar wada dee sheekada maxaa la aamusteen markaan soo galay?
Doolaal: Waxaanu la aamusnay, waannu idin yar xamannay oo waxaannu nidhi.
“waar nimankii is xiijinayay ee lahaa waxba ictiraafi mayno sawkan intii
guurtida uun aqblay. Maxay naga waalayeen haddaa?
Dubbe: Horta idinla yaabi maayo oo dad badan oo war moog ah ayaa
sidiinaa u hadla. Qaar cadhaysan oo anaga ah oo ka xanaaqayna waa jiraan
illayn sidiinna anagu been ma iibinno eh. Qudhaydu in lagu giijiyo
Rayaale waan jeclaa. Laakiin waxaydin ilaabaysaan inay siyaasaddu tahay
wixii suura gal ah. marna “nabadda nabadda” ayaydin wada odhanaysaan
markaanu nabadda dhawrana waa nagu caayaysaan. Xaggaanu idiin raacnaa
idinka?
Doolaal: Dee haaye marka hore inaydin nala garataan bay ahayd.
Dubbe: Waar heedhee. Horta weli Arbaca-turub ma ciyaartay oo mid badaw
ah oo saaxiibkaa ahi kolba baashe fas ah aad soo dhigtay ma jaray? Horta
anaga Rayaale iyo Guurtida waxa nagaga daran Ina Cali Waraabe oo aanu ka
ilbixi weynay. Waxa allaale wax lugtayada iyo tiisa isku xidhay garan
mayno. Mar walba waxaanu is odhanaynaa waar malaa sidii hore wuu dhaamaa.
Garab gorayo ayuu nagu dilay. Ta kale ee aydaan idinkuu fahmayni waxa
weeye......
Doolaal: Maxaanaan fahamayn? Waar wax walba waanu fahmaynaa ee idinkaan
fahmayn.
Dubbe: Waar bal isug dee aan hadalka dhammeeyee. Waxaydaan fahmayn
xisaabta siyaasadda. Xisaabta siyaasadda laba laba u gee(2+2=5) waa shan
ee ma aha afar.
Doolaal: Siday u tahay dee? Ma haddaad xisaab aan dunida lagu aqoon
noola timi?
Dubbe: Horta malaa waad illawyday ee anagu markii hore waanagii oggolayn
illaa December inuu sii joogo. Taasi waa sideed bilood oo dheeraad ah.
Guurtiduna afar bilood bay ku dartay markii dambena 11 bilood baanu isla
oggolaanay markaa marka mawqifkayagii hore iyo kan dambe 2 bilood u
dhexeeyaan anaga way nala noqon weyday in dadkaanu xorayntooda tobonka
sanadood kaymaha ugu jirnay ee saddex sanadood oo qax iyo dagaal kulul
ah soo maray ee 18 sannadoodna yab-yab iyo kacaa-kuf ahaa inaanu laba
bilood oo Ina Rayaale bursado ku kala daadino. Waa sidee caqligiinnu?
Labada waxaad na tidhaadaa sidee u aaminaysaan Guurtida iyo Sheekh Axmed
Nuuxii saxeexiisa dafiri jiray, Xaaji Cabdi oo ay qaalin awr loo laabayo
iyo xeerka oo Madaxweynaha loo laabaa ay isugu mid yihiin, ninkii sida
yara ahaa ee baastooladda sitay ee Siciid la lahaa iyo yam yamtan iyo
qadaadweyntan hoos yaacaysa?
Doolaal: Aan kuba weydiinee maxaa ku aaminaysaan?
Dubbe: Waa su’aaal wanaagsan. Aamini mayno oo adba waad ogtahay inaanay
ahayn niman aanu angu aamini karno eh waa naga afeef.
Doolaal: iminka markaa ma halkaasaa ku soo gunaanadeen arrinkii?
Dubbe: Maya. Qaybtaas waqtiga ayaanu halkaa ku dhammaynay laakiin
arrihii xukuumaddu way noo hadhsan yihiin.
Doolaal: Maxaa idiinu hadhsan?
Dubbe: waxa noogu hadhsan. Illayn meesha xukuumaddii la doortay waatii
dhacday ee waqtigeedii dhamaaday. Awoodda dalkana inay xaaraan ku sii
wada haysato maaha oo cidi uma dooran hadda eh. Markaa haddaanu u
oggolaanay inuu Ina Rayaale sii joogo oo Wasiiradiisii sii joogaan Waa
in ugu horrayn magaca Xukuumadda loo bixiyaa;Xukuumadda ku meel gaadhka
ah, waa in awoodaha qaranka iyo hantida qaranka ee xidhiidhka iyo
saamaynta la leh doorashooyinka waa in dhex loo ahaadaa oo la wada
maamulaa ama cid dhex ah oo hab dhex ah oo banyaal ah ku maamusha loo
dhiibaa. Sida Dekedda, Warbaahinta Qaranka, Bangiga Dhexe,Ilaha
Dhaqaalaha, waa in fasax aanu u helno in nala siiyo macluumaadka aanu
uga baahanno wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda, inaanay xukuumaddu
wax heshiis ah oo caalimaya oo aanay Golaha Wakiilada u soo ban dhigin
aanay saxeexin, arrintii Adhiga oo dib looga noqdo,Guddida Nabadgelyada
oo la kala dareeriyo, arrimaha wixii qaranka saameyn weyn ku leh laga
wada tashado xukuumadda ku meel gaadhka ah,Golayaasha iyo Axsaabta
Qaranka. IWM.
Doolaal: Waar waxaasi idinka socon maayaan ee maxaa kalee haysaan?
Dubbe: Haddaa ma waxa idinka soconaya kolba afar oday oo Ilaa Afweyne la
adeegsanayay oo TVga la keeno oo yidhaahda “Reer Burco Hargeysa ha nooga
baxaan?” Ma waxaasaa xukuumad iyo Qaran ku sheeganaysaan? Ma waxaasaa
ummad ku hogaaminaysaan? Ina Rayaale qaarna wuxuu soo farayaa “haddii
aanu Rayaale kursiga fadhiyin Isaaqow waynu isku qabsanaynaa isaga
ayaynu ku kala nabad galnay.” Marna Isaaqa ayuu isku diriyaa oo
odhanayaa qaarkood TVgayga soo fadhiista oo kuwa kale ka caaya oo
magaalada nooga baxa.
Doolaal: Halkaad haddana isku qaadday? Waar dee dadku iyagaa Tvga iska
yimi oo fikirkooda ku hadlayay ee maanagaa keenay?
Dubbe: Waar dhegeysta. Meesha haddii Qaranimo la doonayona sidii qaran
ha loo maamulo. Anagu waxaanu leenahay waar Isaaq magaalooyin iska saari
kari maayee yaan walaalnimada ummadda reer Somaliland ee guud la dilin.
Haddaynu nidhaa reer Burco Hargeysa ha ka baxaan maxaynu reer Sool iyo
Sanaag ugu yeedhaynaa?
Haddii Daahir Rayaale uu Boorame siyaasiinta mucaaradka ee reer Awdal
iyo cid walba leh u diido oo yidhaahdo shiida ama ama makarfoonada ka
xidha ama soo mustaafuriya muxuu isagu isku hallaynayaa? Waar UDUBay
waddadaa hayna maraninna.
Doolaal: Waar dalka waa loo siman yahay ee waxaad aad sheegayso maanaan
maqal.
Dubbe: adigu weligaaba wax maad maqal. Miyaad maqashay haddaa nin UDUB
ah ee ay gaalka reer Maraykan ku kulmeen huteel Addis Ababa ah?
Doolaal: Maya? Muxuu ahaa?
Dubbe: Aniga isagaa iiga sheekeeyey wixii dhex maray. Sidaynay u dhacday:
Wuxuu yidhi. “anigoo kursi iska fadhiya ayuumbuu gaal dusha ka soo degey
isoo ag fadhiistay. Mid xunoo Ingriisada aad u yaqaanay oo ila socdayna
markaas ayuumbuu kacay oo yidhi waxbaan debedda ka soo qabsanayaa.”
“Gaalkii: Hi! How you doin’? (is ka warran)
Aniga: We are in peace Sir. How are you? ( waar waa nabade adigu iska
warran)
Gaalkii: I’m fine. Thanks.
Aniga: How is the women and children? (Xaaskii iyo carruurtiina ka
warran)
Gaalkii: What women and children? (gabadhee iyo carrurtee?)
Aniga: Your women Sir. (dee xaaskii)
Gaalkii: Do you know her? (Oo miyaad is taqaaneen xaaskayga?)
Aniga: No sir. In my country we ask the women and the children. (maya ee
anagu waanu is weydiina markaanu is bariidinayno)
Gaalkii: Oh! I understand. Sorry, I do not have a wife. Where are you
from?(waan gartay. Xaas ma lihiye waddankee baad ka timi?)
Aniga: Somaliland Republic Sir. (Jamhuuriyadda Somaliland)
Gaalkii: You don’t have to call me Sir. You can call me John. What is
yours? (magacaygu waa John. Isagaad iigu yeedhi kartaa kaaguna waa maxay?)
Aniga: Bullaale is my name. my other name is Big Ears.(magacaygu waa
Bullaale. Naanaystayduna waa Ina Dhegeyaweyne.)
John: Oh! Big Ears? You mean like Elephant? (Dhegaweyne. Sida maroodiga?)
Bullaale: kkkkkkk yes.
John: Where is Somaliland?
Bullale: Here. The stone you throw will hit it. ( waa halkan dhow.
Dhagaxa aad tuurtaa wuu gaadhayaa)
John: do we have to throw an stone to know where Somaliland is? (ma
dhagax aynu tuurno aynu ku garannaynaa meesha Somaliland tahay?
Bullaale: No. that is Somali Expression. I mean it is very close. We are
neighbors with ethiopia. (ma dee waa odhaah Soomaaliyeed. Waxaan u
jeeday way dhawdahay. Dalkan ayaanu jaar nahay.)
John: Do mean you are from Somalia? (ma waxaad u jeeddaa Somalia)
Bullaale: No. don’t say that. We are independent. We have our
government.(maya dal jira oo xor ah ayaanu nahay.) waar kii lahaa
ingriisi baan aqaan halkuu ka dhacay. Halkanuu ictraafkii ka dhow yahay
maanta eh. Wallaahi malaa kan Jandei Frazer baa habar yar u ah waakan
sideedii foodda buuran lehe. Indha buluugle.
John: Oh. What kind of government do you have? (dawlad noocee ah ayaa
leedihiin)
Bullaale: Same like America. We have president. We have congress, two
house, one normal men when old men. We have american system. We Love
America. No terrerist in our country. You see than in our Costititution)
(waxaanu leenahay nidaamka Maraykanka oo kale. Maraykanka waanu jecellay.
Dalkayaga argagixiso ma joogto. Distoorka ayay noogu qoran tahay)...........
Halkaas ayay ka sii socon doontaa qoraalka dambe. Haddii eebbe idmo.
A. Geeljire
Magaalooyinka
Koonfur Afrika Oo Qalalaase Iyo Rabshado Hadheeyeen
|
Cape Town, May 25, 2008 (W.Wararka) – Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka
jira xaalado amaan daro oo gaadhey heerkii ugu sareeyey kadib markii
weerarada lagu qaadayo dadka ajaanibka ah ay kusii fideen qaar ka mid ah
magaalooyinka waaweyn maalmahan u danbeeyey.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada militariga
u adeegsanayso shaqaaqooyinka ka socda.
Dalka Koonfur Afrika waxaanay la tacaaleysaa sidii ay uga hortagi lahayd
xiisada ka dhalatay dalkaasi ee kusii fideysa Magaalooyinka waaweyn,
iyadoo dadka ajaanibka ah ee ku dhaqan dalkaasi oo ay ugu horeeyaan
Soomaalidu uu la soo dersay cabsi iyo walaac,kadib markii weeraro lagu
qaaday goobaha Gacasiga ay ku leeyihiin iyo meelaha ay degan yihiin
dadkaasi dabna la qabadsiiyey goobaha Ganacsiga halkaasna ay dad badan
oo ajnabi ahi ku geeriyoodeen qaar kalena ay ku waayeen waxii yaraa ee
ay haysteen.
Dawladda Koonfurta Afrika ayaa Markii ugu horaysay bilowday inay amaanka
magaaliyanka qaarkood u adeegsato Cidamada Milatariga si ay uga
hortagaan shaqaaqooyinka hadheeyay dalkaasi.
Kooxaha weerarada ku qaadaya dadka ajaanibka ah ayaa ku andacoonaya in
shaqa la,aanta ka jirta dalkaasi ay salka ku hayso kadib markii ay dadka
soo galeetiga ahi ay qaateen shaqooyinkii ay iyagu qaban lahaayeen.
Dadkan weerarada lagu qaadayo ayaa badankoodu waxay ka kala yimaadeen
dalalka Afrika kuwaas oo lagula kaco falal bililiqo iyo boob ah marka
loo garto inay yihiin dad ajaanib ah sida Soomaalida.
Falalkan khalkhaliyey qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Koonfur Afrika
ayaa waxay socdeen middo sanado ah,balse xaalada ayaa hadda isu bedeshay
mid ka xoog badan sidii ay awal hore ahaan jirtey ,todobaadkii ugu
danbeeyey oo kaliya waxaa ku dhintay rabshadahan dad ka badan 40 qof oo
ajaanib ah waxa kale oo ku barakacay dad gaadhaya 15.000 oo qof Jidadka
magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika ayaa u eg goobo dagaal
iyadoo ay rabshadani isa soo tarayso maalinba maalinta ka danbaysa aya
waxaa sii badanaya dagaalka dhexmaraya Ciidamada bilayska iyo kooxaha
rabshadwalayaasha ah.
Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Thambo Umbeki ayaa sheegay in arrintan
ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin, dowladdiisuna ay talaabo
adag oo aan hore loo arag la beegsan doonto qof walba oo lagu tuhmo inuu
qeyb ka yahay xiisadahan lagu waxyeelaynayo dadka ajaanibka ah ee ka
taagan magaalooyinka dalka Koonfur Afrika.
Guddoomiyaha xisbiga talada dalka Haya ee ANC, Mr.Gwede Mantashe ayaa
shacabka ugu baaqay in ay dib u hantaan jidadka iyo xaafadahooda, isla
markaana waxa uu ugu baaqay dadka inay saneeyaan mudaharaado ka soo
horjeeda kooxaha rabshadaha ka wada dalka, kuwaas oo khalkhal galiyey
guud ahaanba dalka Koonfur Afrika.
Dadka ajaanibka ah oo ay ku jiraan Soomaali aad ubadan oo ku noolaa
magaalooyinka yar yar iyo tuulooyinka ayaa hadda bilaabay in ay iskaga
Qaxaan meelihii ay deganaayeen, iyagoo hadda miciin biday in ay u
guuraan magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur afrika, xilli
Magaalooyinka waaweyn laftooda ay ku soo badanayaan weerarada lagu hayo
dadka ajaanibka ahi.
Xiisadaha ka jira Koonfur Afrika ayaa dhinac amaanka oo kaliya aan
dhaawac ku ahayn dowladda, balse waxay saamayn weyn ku yeelatay dhinaca
Dalxiiska oo dakhli weyn ka soo geli jiray dalkaasi, Waxa kale oo ay
shaki gelinayaan tartanka Ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2010 oo
lagu qabanayo dalka Koonfur Afrika.
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Wada-Hadalka Uu Furay Maamulka Somaliland Ee Iyaga Iyo
Mucaaridka Xaalad Ku Dhaaf Iyo Dhabo Waa Midkee?
Ibraahim Nuur Garow. |
Maamulka somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin
oo aan hore looga baran inta badan inuu xadhiga dabciyo, markaa iyaga
iyo xisbiyadu iska qabtaan, arimahan tan u dambeysay ee la isku qabtayna
mawqif adag istaagay ooo xataa uu ku gacan saydhay, waan waantii uu isku
xilsaaray Guddoomiyaha golaha wakiiladda somaliland, Cabdiraxmaan Cirro
ee uu ku doonayey inu isku soo horfadhiisiyo labada dhinac heshiiyo,
halka cakiran waxyaalaha keenay looga heshiiyo, halka xisbiyada
mucaaridkuna ku adkaysteen inaanay madaxweyne sharci ah u aqoonsan
doonin Daahir Riyaale 15 May, halkaa iyada oo xaaladu taagan tahay,
ummadda reer Somaliland oo meel kasta oo ay joogtana dareen walaac iyo
war war lihi galay, isna waydiinayaan tallow somaliland ee muddada
todobada iyo tobanka sanno ah laga dhul sugayey ma halkaa ayay ugu
dhamaan doontaa ? ayaa lagu war helay saqdii dhexe ee 15 May soo
gelaysay dhawaaqii uu bixiyey gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe oo
dulucdiisu ahayd waa la heshiiyey ee salka dhiga, waxaana la sheegay
waan waantii ka timid dhinaca maamulka Somaliland inuu hormood ka ahaa
iskaga dabqaadka xidhiidhka labada dhinac, Wasiirka maaaliyadda Cawil
Cali Ducaale oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay, shakhsiyaadka raarta ku
soo jira ee inta badan ku lugta leh talo-bixinta ay madaxtooyadu wada
hadalkan maamulku ogalaaday, waxaa laga cabiray aragtiyo kala duwan oo
qolaba dhinaca u sibir saartay odhanaya : waxaa keenay culayska dibadda
kaga yimid, waxaa keenay mowqifkii xisbiyadu qaateen, waxaa keenay jidh
dabac maamlka Somaliland la yimid, waa tab iyo xeelad uu maamulku
doonayo, inuu ku jebiyo mowqifkii xisbiyada ka dibna uu ballan furri
doono.
Hadaba iyadda oo la sheegay ballan qodobadii heshiiska ee hordhaca ahaa
loona ballasan yahay wixii dambe, waa arin fiican oo loo baahnaa in
xaaladda cakiran xisbiyadda mucaaridka, lana eegayo bal sida ay uga
faa’idaystaan, waxaanse doonayaa in aan tilmaamo, dareen igu gooni ah oo
sida fiinta roobka uga sii qayliso, dareenka oo ka dhashay
tallaabooyinka uu qaado, maamulkan Somaliland ee uu madaxweynaha ka
yahay Daahir Riyaale kuwaas oo nuxurka ay leeyihiin uu yahay awood
ilaashi iyo cimri dheeraysi , laakiin mustaqbalkana dalka ku ah
turaanturo, xaalkooduna qabyo yahay, talaabooyinkaasi way badan yihiin,
ee laba ka mid ah tusaale aan u soo qaato: 1. Markii shir gudoonka
golaha wakiilada ay noqdaan xisbiyadda mucaaridka wuxuu maamulku u kacay
in golaha guurtida, si aan sifo shaaci ah ahayn, muddo afar sanno ah ay
isku kordhiyeen welina, sifaha xeerkii ay ku iman lahaayeen xubnaha
guurtida noqonayaa waa qabyo wali.
1. talaabadna waa tan u dambeysay kuwaas oo dhibaatadda ay salka ku
hayaan oo u yaalla, wiilka wiilkiisa, waana go’aan aan ku iman xusbad
iyo fikir cod iyo sumcad in lagaga hello dadka.
Top
|