|
Jendayi Frazer Oo Haatuf U Xaqiijisay Inuu Maamulka
Bush Doonayo Inay Xafiis Diblomaasi Ka Furtaan Hargeysa
Hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Oo Heshiis
Kama Dambaysa Maanta Qallinka Ku Duugaya Kadib Markii Mucaaridku Ka
Tanaasuleen Qodobo Laysku Mari La’aa
Golaha Ammaanka Oo Isniinta Cod U
Qaadaya Qaraar Maraakiibta Dagaalka U Fasaxaya Inay Galaan Baddaha Somalia
Hargeysa Miyey Ilowday Kumanaankii
Halyey Ee Xoriyadeeda Nafta U Huray
Xusuustii Mubaarik Yusuf (Bidhi) Iyo
31 May 1988-Hargeysa Sanadguuraddii 20-Aad
31/05/08
Hay’adda UNDP Iyo Wasaaradda
Cadaaladda Oo Ciidanka Asluubta U Qabiyey Buug Leh Astaantimihii
Jamhuuriyaddii Somalia Iyo Saxeexii Siyaad Barre
Beesha Sallaxley Oo Qabanqaabinaysa
Shirweyne Lagu Qabanayo Toon
Musharixiin Cusub Oo Ku Dhawaaqay Inay
Tartanka Doorashooyinka Soo Socda U Taagan Yihiin Iyagoo Madaxbanaan
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wasiirka
Daakhiligu Tog-Wajaale Jeebkiisuu Ka Fuudh Yeelay Bulshadiina Wuu Kala
Qaybiyay
|
|
| Jendayi Frazer Oo Haatuf U
Xaqiijisay Inuu Maamulka Bush Doonayo Inay Xafiis Diblomaasi Ka
Furtaan Hargeysa |
“Arrinta Ictiraafka Markay noqoto Go’aankayagii waxa raajiyay Midowga
Afrka oo aanu filaynay inay tallaabada hore qaadaan, nasiibdarose
Midowga Afrika Weli Arrintaas go’aan Kamay Gaadhin”
Seattle, June 1, 2008 (Haatuf) – Sarkaalka ugu sareeya ee Maraykanka u
qaabilsan Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sheegtay inuu Maamulka Madaxweyne
George Bush ee Maraykanku doonayo inay xafiis diblomaasi ah ka furtaan
caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale Frazer waxay nasiib-darro
ku tilmaantay inaanu Midowga Afrika weli go’aan ka gaadhin qadiyadda
ictiraafka Somaliland, iyadoo xustay in taasi ay raajisay go’aankii ay
Dawladda Maraykanku ka gaadhi lahayd in ay Somaliland u ictiraafto qaran
madax banaan.
Ms. Jendayi Frazer, oo Khamiistii ina dhaaftay Muxaadaro loogu
magac-daray “Mustaqbalka Afrika iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda
Maraykanka” ka jeedisay Hoolka William H. Gates ee Jaamacadda Washington
(University of Washington) oo ku taal magaalada Seattle ee gobolka
Washington, ayaa waxay si qoto dheer uga hadashay siyaasadda arrimaha
dibadda ee Maraykanka iyo saameynta ay ku yeelan doonto mustaqbalka
qaaradda Afrika, waxaana markii ay dhammaysay muxaadaradeeda waxaa
halkaas lagu weydiiyay su’aalo farabadan.
Jamaal Cabdi Gaboobe oo Shahaadada Ph.D ka diyaarinaya Jaamacadda
Washington, ka tirsan Haatuf, ayaa Jendayi Frazer weydiiyay su’aal ahayd
“Su’aashaydu waxay ku saabsan tahay Somaliland. Dhawr bilood ka hor,
Madaxweynaha Somaliland ayaa Washington DC yimid, kadibna adiga ayaa
Somaliland tegay, inkastoo tegistaadu ay aad u raagtay, haddana dadka
reer Somaliland aad ayay ugu riyaaqeen booqashadaadii. Haddaba ma noo
sheegi kartaa sida uu yahay xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland? (My
question is about Somaliland. A few months ago, the President of
Somaliland visited Washington. After that, you returned the visit and
went to Somaliland, a visit that was much overdue and much appreciated
by the people there. Can you tell us what is the status of the US
relations with Somaliland?)”
Jendayi Frazer oo su’aashaas ka jawaabaysa ayaa waxay tidhi: “Waa dhab
waxaa aad sheegtay. Madaxweynaha Somaliland wuu noogu yimid Maraykanka,
aniguna waan tegay Somaliland, xidhiidhna waanu la leenahay Somaliland,
waxyaabo badan oo wanaagsanna way qabsadeen. Somaliland dimuqraadiyad
baa ka jirta, doorashooyinna way ka dhaceen qaar kalena way soo socdaan.
Markaa arrimahas oo dhan baanu danaynaa oo aanu kala shaqaynaa
Somaliland. Waxa kale oo aanu Somaliland wadaagnaa oo aanu iska
kaashanaa arrinta la dagaalanka argagixisada.”
Ms. Frazer oo waxa kale oo ay ka hadashay arrinta ictiraafka iyo
mawqifka ay ka taagan tahay Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay George
Bush, waxaanay tidhi: “Markay arrinta ictiraafka noqoto, anagu [Maraykanka]
waxaanu nidhi waxaanu sugaynaa oo aanu filaynay inay Midowga Afrika (AU)
tallaabada hore qaadaan. Waxaanu rajaynaynay inay go’aan ka gaadhaan
arrintaas, nasiibdarro-se Midowga Afrika weli arrintaas go’aan kamay
gaadhin, taas baana raajisay go’aankayagii.”
Ugu dambayntii waxa ay Ms. Frazer sheegtay inay Xukuumadda Maraykanku
damacsan tahay inay xafiis diblomaasiyadda ah ka furato magaalada
caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa, waxaanay tidhi: “Immika
waxyaabaha aanu ka fekerayno waxa ka mid ah inaanu xafiis diblomaasi ah
ka furano Somaliland, laakiin ma hubo inaanu ka gaadhsiin doono lixda
bilood ee noo hadhay.”
| Hogaamiyeyaasha
Saddexda Xisbi Oo Heshiis Kama Dambaysa Maanta Qallinka Ku Duugaya
Kadib Markii Mucaaridku Ka Tanaasuleen Qodobo Laysku Mari La’aa
|
Hargeysa, June 01, 2008 (Haatuf) – Wada hadaladii muddada labada todobaada
u socday hogaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran Udub, Kulmiye, iyo Ucid
ayaa la filayaa in kulankooda shanaad ee ay maanta iskugu iman doonaan
qasriga madaxtooyada ay heshiis kama dambeysa ka soo saari doonaan
qodobadii ay hore isugu mariwaayeen, ka dib markii la sheegay in Xisbiga
Kulmiye oo aragtidii dawladda wadaaga in la sameeyo ku adkaa uu tanaasul
ka muujiyey kadib markii ay xisbiga Ucid ay ku kala aragti duwanaadeen
qodobkaas , sidaa darteedna xisbiga Kulmiye oo isagu ku adkaa qodobkaas
ah dawladda wadaaga ah ayaa isaguna la sheegay in tanaasulka arintaasi
uu dhaafsaday in doorashada madaxtooyada laga soo hor mariyo doorashada
goleyaasha Deegaanka. Sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ahi arinta kala
horaysiinta labada doorasho ayaa la sheegay in isfaham laga gaadhay in
la soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada oo hore loogu qorsheeyey 15-ka
March 2009, taas oo la sheegay in Xisbiga Udub ay arintaasi danaynayaan
in doorashooyinka Madaxtooyadu dhacaan inta ay golayaasha deegaanka ee
haddu ay shaqaynayaan, kuwaas oo u badan Xisbiga Udub, a waxayna
tibaaxahani intaa ku darayaan in qodobada ay ka midka yihiin sidii (Guddi)
Board madaxbanaan loogu samayn lahaa warbaahinta dawladda sida Tv-ga iyo
Radio Hargeysa iyagana laysla qaatay, waxaana la filayaa in kulanka
shanaad ee maanta iyadana lagu soo afjaro wax ka bedelkii qodobadda
xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo heshiiska ku jiray inuu
madaxweyne Riyaale goleyaasha baarlamaaanka ugudbiyo si ay wax ka bedel
ku meelgaadha ugu sameeyaan qodobada ka hor imanaya wakhtiga laysla
qaatay ( Time line-ka) cusub ee ay saddexda xisbi iyo Komishanku iskula
qaateen xilliga qabsooomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo
Madaxtooyada, taas oo la filayo inuu Riyaale maanta ugudbiyo
shirgudoonada labada gole baarlamaan, waxaa kale oo ay tibaaxuhu intaas
ku darayaan in Xisbiga Kulmiye ka tanaasulay arinkii hirgelinta
Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ka dib markii Udub iyo Ucid la sheegay
inay ku adkaysteen in Diiwaangelintu codbixiyayaashu tahay qabashadeedu
mid dastuuri ah, xisbiga Kulmiye oo isagu ku doodayey in diiwaangelinta
layska dhaafo ayaa la sheegay inuu markii dambe ku raacay mawqifka Ucid
iyo Udub ka istaageen hirgelinta Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Waxaa kale oo ka mid ah qodobadda la sheegay inay wada jir qalinka ugu
duugi doonaan, in haddii ay doorashooyinkaasi xilligaasi ku qabsoomi
waayaan ay saddexda xisbi ka tashan doonaan talada lagaga gudbi karo
xaaladaasi inay ka tashadaan saddexda Xisbi waxna iskaga ogaadaan (code
of conduct) .
| Golaha
Ammaanka Oo Isniinta Cod U Qaadaya Qaraar Maraakiibta Dagaalka U
Fasaxaya Inay Galaan Baddaha Somalia |
New York, June 1, 2008 (W. Wararka) – Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay ayaa Jimcihii dorraad soo geba-gabeeyay qaraar horyaala oo u
fasaxaya Maraakiibta Ajnebiga ah ee dagaalku inay galaan gudaha xeebaha
Somalia si ay budh-cad baddeeda u ugaadhsadaan, kuwaas oo khatar weyn ku
haya maraakiibta maraya baddaha Somalia ku xeeran, tobanaan maraakiib
ahna sannadkan gudihiisa oo keliya ku afduubay.
Budh-cad Baddeeda ayaa beryahan dambe ku soo badanaysay xeebaha dalka
Somalia, iyadoo maraakiib badan afduub loogu geystay, waxaana labadii
markab ee u dambeeyay Arbacadii ina dhaaftay lagu afduubay xeebaha
maamul-goboleedka Puntland ee Somalia.
Qaraarkan laysku raacsan yahay oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u
coddeyn doono Isniinta berito, ayaa jawaab u noqonay codsiyo ka soo
yeedhay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Xukuumadda
Mbagathi, kuwaas oo dalbaday in caalamku gacan ka geysto sidii loola
dagaalami lahaa dhibaatada ay budhcad baddeedu ku hayaan Maraakiibta
maraysa xeebaha Somalia iyo kuwa gargaarka aadamnimo u sida dad
dhibaataysan ee ku nool gudaha dalka Somalia.
Qaraarkan ayaa muddo lix bilood ah waxa uu u fasaxayaa inay Maraakiibta
dagaalka ee wadamada Iskaashiga la leh dawladda Mbagathi galaan xeebaha
gudaha Somalia, iyadoo ujeedadoodu tahay inay ka hortagaan
dhaqdhaqaaqyada budhcad baddeeda iyo afduubka Maraakiibta ee halkaas ka
dhaca.
Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa iyagu hore ugu sugnaa xeebaha dalka
Somalia, kuwaas oo isku dayaya inay badbaadiyaan maraakiibta ajnebiga ee
baddahaa maraya.
Hadalkan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya Xili ay
jiraan maraakiib lagu haysto Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ay afduubteen
Budhcad badeed Soomaali ah oo madax furarsho lacageed ka doonaya.
| Hargeysa
Miyey Ilowday Kumanaankii Halyey Ee Xoriyadeeda Nafta U Huray
|
“In Maanta Dalkeena Dagaal Ka Dhaco Looma Baahna Taa Waynu
Ka Soo Gudubnay..”
Axmed Siillaanyo Iyo C/Raxmaan Aw Cali Oo Khudbado Ka Jeediyey Xuska
31-Ka May
Hargeysa, June 1, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee
KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada
dheeraa ee Dhaqdhaqaaqii xorraynta ee ururkii SNM, ayaa ku baraarujiyey
halgamayaashii ururkii SNM iyo taageerayaashoodiiba inay taariikhda uga
faa’iideystaan in aanu dib ugu soo noqon wixii hore u soo maray, sida
keli-talisnimo, cabudhin iyo cadaadiskii ay ka dhiidhiyeen, isaga oo
sheegay in aan loo baahnayn halgan dambe iyo in dib loo qaato qori.
Sidoo kale Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa isna niyad-jab ka muujiyay
sida look ala qo-qobay mujaahidiin SNM ee caasimadda, isagoo is-barbar
dhigay xafladda shalay lagu xusay 31-ka May iyo tii Burco lagu xusay 27
May oo uu sheegay inuu faraq weyni u dhexeeyay.
Ugu horeyn Axmed Siilaanyo oo shalay ka hadlay xaflad loo sameeyey xuska
sannadguurada 20aad ee 31ka May 1988 oo ah maalintii xooggagii SNM ay
gulufka ku soo galeen gudaha magaalada Hargeysa, halkaasna ay foodda
isku dareen ciidankii ugu xoogga weynaa Taliskii Siyaad Barre ee
degganaa Qaybtii 26aad ee Hargeysa, waxa uu difaacay go’aankii ururkii
SNM ku soo galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco May 27/31, 1988, kaas
oo ahaa mid miidaamo ah marka loo eego tirada ciidan iyo saanadda oo aad
uga yarayd ciidamadii Taliska ee fadhiyey Burco iyo Hargeysa. Waxa kale
oo uu difaacay midhaha halgankii SNM.
Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey maamulka Jamciyadda SOOYAAL, laguna
qabtay xarunta Jamciyadda ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay tiro
kooban oo ka mid ah halgamayaashii SNM.
“Waxa taariikhda loo ilaaliyaa in aanay lumin, waxaa laga digtoonaanayaa
waxa iman kara ama soo socda, waa in aanad dabinkii aad ku dhacday
berrigii hore aanad kiisii oo kale ku dhicin, in aan dabinkii hore oo
kale dib u soo marin ummadda, waxa taariikhda laga anfacaa intaa weeye,”
ayuu yidhi Muj. Axmed Siilaanyo.
Isaga oo ka warramaya taariikhdii galka Burco iyo Hargeysa, wakhtigaas
oo uu isagu hoggaaminayey ururkii SNM, waxa uu yidhi, mudane Siilaanyo,
“Labadan taariikhood ee caanka ah ee aynu soo gudo galnay Burco iyo
Hargaysa maxay ku timi? Waxay ku timi iyada oo halgankii socdo markii la
soo galayay magaalooyinka waawayn, waa la ogaa mujaahidiinta, hogaanka
iyo xubnaha SNM meel ay joogaanba kama ay qarsoonayn mar qudha in aanu
is leekayn marka Ciidan ahaan loo eego, ciidankii ay doonayeen in ay ka
maroojiyaan dalka, waxa ay u soo badheedhayeen mid ka qarsoon marnaba ma
ahayn, laakiin waxa hortooda yimi doorasho, waa wakhtigii ay Mingistu
iyo Siyaad Barre heshiiyeen in jabhadihii la kala joojisto, in dhulkii
aynu gaboodka ka dhigan jirnay aanay inoo suurto gelayn.
“Dad baan maqlaa aan iyagu nasteex ka ahayn halgankii SNM oo iyagu meel
alaale iyo meel ay kaga jireen aanay jirin ayaa yidhaahda, may ahayne
waxa iska soo galay inamo mujaahidiin ah, waxa ay doonayaan in ay kala
qaybshaan halgankii SNM. Wuxuu ahaa go’aan iyo talo laga wada tashaday
oo la qaatay oo laga wada arrinsaday oo ahaa maxaynu yeelnaa, aynu is
maqiiqno oo aynu galno. Ciidanka soo galay Burco iyo Hargaysa, labada
aagba kamay badnayn dhowr kun oo qof, ciidamada loo badheedhayaana intay
leekaayeen tiro iyo xoogba waa la ogaa, midh intaa leegi inagama
qarsoonayn. Saraakiishii markii aan la tashanayay rag badan ayaa yidhi
tallaabada aynu ku dhaqaaqayno marka cilmi milateri la eego macno ay
samaynaysaa ma jirto, wax loo babac dhigi karana maaha, laakiin haddii
aynu is maqiiqayno waa halkeeda, waxa lagu tashaday in sida ay tahay la
isugu soo shubo shoolada, waa tii Burco iyo Hargaysaba la soo galay.
Halgankii dhibaato kastaa ha soo gaadho, ummad badani ha ku shahiido,
khasaare badani ha ku yimaado, mid loo badheedhay oo loo kacay oo nafta
loo huray ayuu ahaa. Laakiin jawaabtu waxa weeye midhihii la doonayay ma
dhalay mise ma dhalin, wuu dhalay midhihii la doonayay runtii, oo
nabarka Siyaad Barre rajiimkiisii ka soo waaqsan waayay ee uu aakhirkii
doogteedii u dhintay waxa uu ahaa dagaalkii 1988-kii la soo galay buu
ahaa runtii”.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay
midhihii halgankii iyo waxa maanta la gudboon shacbiga Somaliland guud
ahaan iyo halgamayaashii SNM, isaga oo ka jawaabaya cabashada had iyo
goor ka soo yeedhay halgamayaashii SNM ee ah in qaranka Somaliland aanu
u abaalgudin mujaahidiintii oo daryeel la’aan iyo shaqa la’aani hayso,
taas oo haweeney ka mid ahayd mujaahidiintii dagaalamayey ee soo galay
Hargeysa. Waxana uu yidhi, “Maxaa haddaba maanta yaala weeye su’aashu,
aniga waxay ila tahay maalin kasta calaacal aynu calaacalnaa wax wayn oo
uu tarayaa ma jiro, taariikhdu waa wax socda, maalin walba waxa uu
qaadanayaa halganku waji cusub oo hor leh, in maalin walba xabad la isku
xoreeyo looma baahna. In maanta dalkeena dagaal ka dhaco looma baahna
taa waynu ka soo gudubnay oo waynu dhamaynay, maanta waxaa loo baahan
yahay haddii aynu doonayno dalkeena mid jooga iyo mustaqbalka iman doona
kii uu doono ha noqdee in aynu qaab dimuquraadi ah uga tabaabushaysano
oo ka ilaalino nooc kasta oo ay tahay in aan kali-talisnimo, cabudhin,
cago-juglan iyo xoriyadda dadka oo la qaadaa midna aanu iman, waxaynu u
baahanahay in aynu qaab dimuquraadi ah oo cod ah, oo cadar ah oo
taageero ah ugu hiilino marba meesha dimuquraadiyada iyo xoriyadu ku
nuurto oo aynu hubino in aanay dib inooga lumin, oo aanay jiil danbe oo
dadkeena ah ku ajburin in ay dib u halgamaan oo xabad dib u qaataan,
waxaynu u baahanahay in aynu nidaamka aynu dhiganay ee dimuquraadiga ah
iyo ka codaynta ah aynu wax toosinteena ku salayno.”
Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii
Milateri ee ururkii SNM, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii
horkacaysey ciidamadii SNM ee soo galay Hargeysa May 31, 1998 ayaa
isaguna xafladdaasi ka hadlay, waxana uu is barbardhigay xafladda shalay
lagu qabtay Hargeysa iyo tii 27 May ee lagu qabtay Burco oo uu iyadana
ka qaybgalay. Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa kale oo uu ka
hadlay taariikhdii halganka iyo midhaha ka soo baxay, waxaana hadalkiisa
ka mid ahaa oo uu yidhi,
“Haddii aan ka hadlo maalintan iyada ah, waxay ahayd maalin wayn, waxaa
la yidhi maalmaha ha la mideeyo, maalin Burcaa la soo galay maalinna
Hargaysaa la soo galay, waxay ahayd in mar la soo wada galo oo ay maalin
kaliya ahaato way haboonayd, laakiin may dhicin, markaa taariikhdu
hadday u dhacday laba cisho in ay noqdeen, u malayn maayo in ay culays
cid ku hayso in laba cisho la xuso.
Anigu maalintii dhawayd Burco ayaan tagay, Burco oo 27-kii May, lagu
xusayay ayaan kala soo qayb galay, madal ka qurux badan tan ayay ahayd,
dad iskaga yuhuun wanaagsan sida aan arkayo iminka ayay ahaayeen, dad
wax wada leh ayay ahaayeen, waxay leeyihiin wada xusaya ayay ahaayeen.
Halkan waxaan ku arkaa Telefiishanku in uu dadka kala qayb saday, oo
toban toban loo kala qaatay, oo maalin dagaal loo kala qaatay. Burco
waxaan ku arkay xaflad ka qurux badan, ka wanaagsan, mujaahidiin isku
duuban oo ka fiican, waar raggiinii wada joogay ee wada dhaawacmay ee
midna lug la’yahay midna il la’yahay midna uu lugta jiidayo ee haddana
maanta wada jooga, raggiinii caynkaas ahaa in aydin maanta saacadaa la
idinkala qaybiyo oo habeenba qolo mikirifoonka ka soo jeesato iyada oo
nacnaclaynaysa maaha, biyo ha layskaga daro bahasha, intaasi waa iga
talo.
Haddii laga hadlo maalintan, maalin wayn ayay ahayd, maxaa SNM ku
kelifay in ay gudaha soo gasho? Waxay ahayd in ay SNM jirto ama aanay
jirin, in halgankii jiro ama aanu jirin, sidaas oo kale ayay 27-kii May
iyo 31-kii la mid ahaayeen, in halgankii shooladiisii dento iyo in uu
sii socdo oo ummadu dagaalkii halkaa ka sii wado, labadaa ayaa la kala
doortay, waxay ahayd guul ama geeri, labadii dawladood ayaa heshiiyay,
in aynu maxaabiis noqono oo la inakala bedesho iyo in aynu dagaalkii sii
wadno labadaa mid ayay ahayd, sidaas ayaa lagu soo galay dalka,
hordhicii ayay ahayd halgankii lagu xoreeyay dalka, halgankuna mid
ummadda oo dhami u dhantahay ayuu ahaa, inteenii qoriga sidatay kaliya
muu ahayn.
Somaliland gobonimo ayay haysaa, dariiqii ma taagan tahay,
Mujaahidiintii wax ma u qabatay, halkii laga doonayay ma gaadhay,
caddaaladii laga filayay ma la hantay? Taasi murankeeda iyo ka
hadalkeeda ayay leedahay, maaha marka la soo hadal-qaado in si kale loo
qaato maaha. Midna ha isku qoomamaynina, inaga oo kaliya maaha, rag
halgamayaal ah oo hore ayaa la waydiiyay, sidii ay dagaal ugu soo jireen
ayay markii danbe dalkii xoreeyeen, mise dalkii waxba kuma hayaan iyagu,
markaasaa la yidhi hebelow ma halkan ayaad ka fadhidaa bahashii tacabkii
intii leekaa inagaga baxay, wuxuu yidhi “Ragbaa u fikira, waxaa ku
dagaalama geesiyada, waxaa dhaxla fulayaasha.” Hays odhanina waar maxay
idinka wax idiinka soo gaadhi waayeen, dadka joogaa waa kuwaad dalka u
xoraynayseen, kuwii inaga soo hor jeeday ee dagaalka inagula jiray ee
Afwayne dhiniciisa ka soo jeeday ayaa laga yaabaa in ay Madaxyihiin,
dadkii aynu dalka u xoraynay ayay ka mid yihiin waxaan leeyahay bahasha
wax ha la iska gaadhsiiyo anaguba kaligayo ma doonayno’e.”
Si kasta ha ahaateen, waxaa maalintii shalay si weyn loo dareemay
shacbiga reer Hargeysa oo markii ugu horeysay ka seexday isla markaana
aan xusin kumanaan geesi oo habeen madow dabka madax-madax isugu soo
tuuray, una soo badheedhay dagaal inay la galaan mid ka mid ah quwadihii
milateri ee Afrika ugu balaadhnaa, si ay Hargeysa uga xoreeyaan
ciidamadii daaquutkii Maxamed Siyaad Barre, nasiib-darrose Xukuumadda
hadda jirta oo u badan taliskii xilligaas SNM la dagaalamaysay ayaad
moodaa inay ku guulaysteen inay seexiyaan dadka reer Hargeysa oo ay
tahli kari waayaan xataa inay isugu soo baxay barxadda Xarunta Sooyaal
ee ay mujaahidiintii SNM intii ka hadhay ee naafada ahayd iyagu isku
xusayeen, halkii ay ahayd in maanta iyaga kor loo qaado, lana xuso
taariikhda baalka dahabka ah ee ay kaga qoran yihiin.
Dhinaca kale, Xaflad balaadhan oo loogu talo galay xuska
maalinta 31 May ee gudda galkii Hargeysa ee Mujaahidiinta SNM ayaa xalay
lagu qabtey Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen urur dhalinyaro oo la yidhaahdo
Afgarad aya waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin farabadan oo ka kala
socda sadddexda Xisbi Kulmiye, Ucid iyo Udub iyo waliba urur
siyaasadeedka Qaran, Culima’udiin, madaxdii mujaahidiinta SNMm, odayaal
wax garad ah, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale oo badan.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuudd Siilaanyo, isla
markaana ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM, oo ugu
horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda maalintan 31 May
iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee ku kalifay in ay maalmahaasi dagaal ku
soo galaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Axmed
Siilaanyo isaga oo halgankaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “In qolo walba
jabhado ka soo horjeedda ay wax ka qabato, hase yeeshee maalintii ay
sidaasi dhacday ayaa wefti aan wato aanu u tegnay madaxweynihii Itoobiye
Mingaste, waxaanan xasuusinay maalintii ugu horeysay 1984, hadalada uu
igula hadlay, waxaanu berigaasi igu yidhi, waxaanu nahay dad qawl leh
sharaf leh, balan ay qaadaana aan waligood ka bixin, halgankiinana gacan
baanu idinka siinaynaa ilaa inta aad ka guuleysanaysaan, maalintii dambe
ee aanu u tagnay ayaa waxaa aan ku idhi, balankii aad nala gashay miyaad
ka baxday, miyeydaan qawl iyo sharaftii aad sheeganayseen aydaan lahayn,
miyee intaaba waanu leenahay balse maanta wakhti adag baa na haya,
waxaanan idinka doonayaa in aad in muddo ah ciidamadiina aad gudaha aad
gelisaan si aan heshiiskaas u buuxiyo, waayo ciidankaasi ayuu u baahday
in uu dhinaca Eratariya u qaado, ka bacdi waxaanu ku nidhi dadkayagii
waxay ku jiraan oo ka dagaalamayaan gudaha Somaliya, dadkayagana
shacbiga ayaa dagaalamaya waxaa la laynayaana waa shacbiga, markaa waxaa
aanu doonaynaa in aad oxogay ciidan ah oo shacbiga ilaalisa noo siiso
oxogaa Rasaas iyo shidaal ah, markaa anagu intaanan hadaladaas odhan
waanu sii tashanay , oo go’aankayagu meel buu noo ahaa, dadka qaar ayaa
meelaha ka yidhaahda hogaanka ururka waxba kama goyn go’aankan dagaalka
ah ee ciidamada SNM wakhtigaasi qaadeen waxaa uu ahaa go’aan ciidamada
ka soo go’ay, wax alaale wax ka jiray may jirin, waxaa uu ahaa go’aan
hogaanka ururka iyo halgamayaashu u dhami isugu yimaadeen, laguwada
tashaday la qaatay go’aankani waxaan la fileyn muu ahayn laakiin waxaa
loogala jeeday waxay ahayd haddii uu ku dhamaan karayona in lagu
dhameeyo,haddii kalana dhaawac aanay ka soo kicin ciidamaduu siyaad bare
in loo gaysto, tiibana dhacday dagaalkaasina waa ka aakhirkii noqday
nabarkii diley Siyaad Barre rajiimkiisii, horta taariikhda iyo ahmiyadda
uu dagaalkaasi huwanaa ee xoreynta Somaliland iyo madaxbanaanideeda,
isla markaana uu Siyaad Barre u ku jabay wuxuu ahaa dagaalkaasi iyo
gudagalkaasi barigaasi “ ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Isaga oo intaa sii raaciyey “ xaaladda aynu maanta taaganahay waxba kaga
dheeraan mayno laakiin aynu mid ogaano, waxaa koonfur ka dhacayaa waynu
wada ogsoonahay, SNM waxay hogaanka dalka ku wareejisay markii ay
xoreysay, inkasta oo ay dad badani u arkaan go’aankaasi SNM mid daciifa
,hase yeeshee wuxuu ahaa mid ka yimid shirkii ka dhacay Balligubadle, ee
aniga laygaga wareejiyey Xilka guddoomiyenimada SNM, shirkaas go’aanka
aan ka soo saaray waxaa uu ahaa laba sanno marka aynu hayno xukunka
dalka waa in shacbiga lagu wareejiyaa ayuu ahaa go’aanka shirkaasi SNM
ku gaadhay, hadaba go’aakaasi ma sax buu ahaa mise khalad ?
Dad baa yidhaahda hadal bay ahayd,halka ay dadka qaarna ka yidhaahdaan
sax buu ahaa mida doono ha noqdee wuxuu ahaa go’aan SNM gaadhay oo ku
salaysan maadaama halganku ahaa mid himiladda shacbiga iyo xoriyadiisa
loogu jiray in shacbiga lagu wareejiyo xukunka si ay iyagu uga tashadaan
horumarkooda iyo aayahooda markaa anigu waxaan aaminsanahay khasab
naguma ah, khaladna naguma aha maantan anigu ma qabo in aynu gaadhnay
ilaahay ha inama gaadhsiiyo in dalkeena dagaal iyo xabad markale ku
xorayno, waxaanse qabaa inaga oon taa u baahnayn haddii aynu dadkeena
badbaado fiican u noqono, oo aynu ilaalino dimuqraadiyadeena iyo
horumarka, hadaynu nidaamkasta oo inoo yimaada ka ilaalino xadgudubka ma
dhacayso in aynu dagaal markale galno, markaa ka aynu u baahan nahay waa
kaas in aynu gacan iyo taageero isku siino. “
Waxaa kale oo halkaasi ka Hadley Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi Cabdi oo isagu wakhtigaasi ahaa taliyaha hogaaminaayey
Ciidamada SNM ee aaga galbeed, waxaanu Muuse si qoto dheer uga waramay
qaabkii milatari ee uu ciidamada SNM ee u hogaaminayey ku soo galeen
magaaladda Hargeysa iyo nawaaxigeeda 31 May 1988 kii iyo guulal ay ka
soo hooyeen.
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay xubno faro badan oo ay ka mid yihiin
Boobe Yuusuf Ducaale, Baashe Cabdi Gaboobe oo ka socday ururka Qaran,
Xasan Suldaan oo ka socday Ucid, Xildhibaan Maxamed Caraale Duur oo ka
tirsan xisbiga Udub, Sheekh Aadan Xaaji Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid
ah culuma’udiinka reer Somaliland iyo Guddoomiyaha ururka Af-garad
Maxamed Xuseen Dhabeeye, kuwaas oo dhamaantood si hufan uga waramay
ahmiyadda ay maalintan 31 May ugu fadhido taariikhda dalka Somaliland.
Xusuustii
Mubaarik Yusuf (Bidhi) Iyo 31 May 1988-Hargeysa Sanadguuraddii
20-Aad
31/05/08 |
Waxaan u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday
halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 31 MAY IYO DHamaan
wadanka oo dhan.
Iyadoo ay ka soo wareegtay Maanta sanadguuraddii 20aad markii ciidamada.
Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day
Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay Ubad badan, waqtigaas ayaa ahaa mid markii
hore werwer iyo naxdin ku sameeyey dadweynihii SNM oo heshiiskii
Mingiste iyo Siyaad barre inuu waxyeelo gaadhsiinaayo halgankii SNM
lakiin waqti yar dabadeed taasu waxay dhalisay in Gudagalkii SNM farxad
aad u weyn ku noqday Shacabkii Balaadhnaa ee Gudaha Iyo debadda Joogay
markii ay Geesiyaasha SNM gudaha isugu Shubeen dhulkoodu si ay cadowga
uga Xoreyaan Taasoo go,aankoodu ahaa Geerri iyo Gobanimo.
waxaa ay 31 May ku xardhantahay kuna Suntantahay Taariikhda Somaliland,
Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanuhu ayey afka ciida u
dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo
ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalada Hargeysa.
Arintaas ayaa waxay Bog cusub u furtay Taariikhda Geeska Africa iyadoo
Siyaasaddii wax ka bedeshay Mandaqada.
Geesiyadii Maalintaasi soo galay kumay tala gelin inay noolaadaan oo
iyagu ka faa,ideystaan midhaha Halganka laakiin waxa hadafkoodu ahaa
inay umaddooda xoreeyaan si jiilka soo socdaa u helo xornimo buuxda iyo
Nolol Wanaagsan.
Runtii Waxay muujiyeen geesinimo aad u Badan, oo ay dalkooda iyo
dadkooda jecel yihiin ,kuna doonayeenn Cadaalad , Nabad iyo mabda' adayg.
Waxaa loo baahan yahay in Taariikhdaa qaaliga la ilaaliyo, lagana
faaideysto waxna laga barto lagana dhigo mid lakala dhaxlo.
Mujaahidiintii SNM intii noolna waxaan leeyahay 'la shukri Calaa Waajib'
waxaad u Naftiina u hurteen dadkiinii iyo dalkiinii waxaana aad
mudantihiin milgo maamuus iyo sharaf midhaheediina maanta waa
Somaliland.
Intii shahiidayna illaahay ha u naxariisto oo janaddii al fardowsa ha ka
waraabiyo.
Shacaybkiinii Qiimaha lahaa ee hiil iyo hooba la garab taagnaana waxaad
Gudateen waajibkiinii wixii naf iyo maal lagu waayeyna illaahay wax
khayr qab ha idiinku bedelo.
Hadaba Aniga oo ah Mubaarik Yuusuf(Bidhi) waxaan Kula kulmay Magaalada
Birmingham iyadoo aan Nasiib u helay Mujaahidiintii SNM ee Iyagu 31May
1988 soo galay Magaalada Hargeysa iyadoo ay jirto waqtiga oo fog iyo
waqtiga halganka oo Mujaahidiintu ay Geerri u diyaargarobeen xaga teebka
oo marmar qalad ku yimaado waad naga raali ahaanaysaa.
Hadaba Mujaahid Maxamed Adan Maxamed (Xayle) ayaan ka wareystay
Maalintaa 31May 1988 wixii uu ka xasuusto Mujaahidku.
Wareysigisii oo aan soo Koobay waa Sidan. Iyadoo uu ku Bilaabay
Anigoo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee 31May 1988 soo Galay Hargeysa
magacaygana la yidhaahdo Maxamed Adan Maxamed (Xayle) oo hadana aan
deganahay Birmingham , waxaan doonayaa inaan xoogaa ka waramo wixii aan
ka xasuusto 31may 1988.
Ciidankii Aaga Maka (Galbeedka) waxaa loogu tala galay Aaga Hargeysa
waxay kala degenayen Juqda ,Durya, Waraabe jiro ,Cadaadley,Garabidhan,
Kabaqoray ,Caracaray oo ah Aaga Baligubadle ah .
Jimce 27May 1988, Waxaa Saldhiga Juuqda ka ruqaansaday Hal Urur oo loogu
talo galay inuu galo Aaga Agabar oo ahaa Xero- Weyn , si aanay u noqon
Taakuleynta Faqashta , taana Ciidankii la qaabilsiiyey way ku
guulaysteen sidii loogu talo galay ayuu u fuley qorshahaasi.
Axad 29 May 1988, waxaa saldhiga jiida hore ee Cadaadley ka ruqaansaday
hal Urur oo loogu talo galay Jidad –Goynta Gurmadka Faqashta ka Imanaysa
galbeedka Hargeysa, waa lagu guuleystay Qorshahaas isagana sidii uu ahaa
ee loogu talo galayo.
Waxa uu ahaa barkulankayagu oo aanu ka dhaqaaqaynay Masaajidka saacadu
markay ahayd ilaa 11 subaxnimo ayaa laysu yimi Dhamaan waxaanu halka ku
dajinay ama dhignay Bustayaal Iyo Dawooyin Iyo Agab kaloo ciidan ah taas
oo aanu ugu talo-galnay inay noqoto xaruntii dhaawaca halka waxaanu
joognay ilaa Duhurki oo qadada ayaanu ku karsanay halkaa oo aanu ku
Tukanay Salaadi Duhur iyo Casar oo israaca.
Waxaanu halkaa ka dhaqaaqnay Qiyaastii 2:00 duhurnimo
Xuduuda waxaanu galnay ilaa qiyaastii 3:00Galabnimo Kaymaha sayla…….
Anagoo samaysanay wado cusub oo qardajeexa halkaas oo aad moodayso inay
dadka reer Miyiga si ogaayeen inaanu Hargeysa galayno ,xuduuda markaanu
galnay gawaadhida ayaanu ka degnay muda daqiiqado ayanu dhulka Joognay.
Ka bacdi gawaadhidii ayaanu fuulnay sidaa ayaanu ku soo dhaqaaqnay ,Xabaale
markaanu marayno ayaa waxa xaga Hargeysa nagaga timi Diyaarad MIG19 ah
oo kuwii dagaalka ah balse waxba nagumay ridin , Isgarsiintayada aanu
sidaynay waxaa laga maqlayay tararka ciidamada faqashta oo lays
waydinayo suaalo aad u badan oo ay ka mid ahaayen Tirada kolonyada
gadiidkodu waa imisa qiyaastii ,jawaabta ay isa siinayeen waxay ahayd
waa kolonyo aad u badan ,waxay kaloo iswydiinayeen yey ku hagaagsan
yihin (Yey ku Beeganyihiin) waxay isku lahaayeen,, Gudaha ha galeene sii
daaya ha horjoogsanina , cadceedu markay dhacday ayaanu waxa u baxnay
dhulkii Masalaha halka waxaa noogu soo gasahay Salaadii Makhrib .
Salaadi makhrib ka dib ayaanu waxaanu maqalnay guux Karayaal oo ka soo
socda dhinaca Gadhyogol waxaanu xaqiiqsanay inuu yahay ciidan anaga nagu
daba jiray oo faqashtii ahaa, waxaanu u diyaarinay hal Urur oo Ciidana
oo aan u reebnay Ciidanka intii kalena wadada ayaan cagta saarnay ,
Salaadii Maqrib anagoo Tukanayna ayaa Xabadii ugu horaysay bilaabantay
waxay goobtaasi ahayd wadada Gadhyogol ka timada Iyo Wadada Xabala ka
timada markay Masalaha isaga soo dhacaan , Dabeeto rasaas xooga ayaan
isdhaafsanay waxanay iyagu aad u ridayeen rasasta Taangiyada . rasaastu
markay socotay muda ilaa 15 daqiiqo ah ayey rasasti istaagtay,
karayaashiina way bakhtiyeen.
Ka bacdi anagu waanu ka soo dhaqaaqnay halkaa, gadiidkayaga iyo
lugtayaduba way is dhinac socdeen waxaanu u dhaqaaqnay Jihada Hargeysa
anagoo sii marnay maqaamkii Shiikh Cumar halkaas oo ciidanku lug ku
maraayay markaa.
labadii iyo rubuc (2:15) markay ahayd 31/5/88 ayaanu Hargeysa galnay
waxaanu ka galnay Hargeysa Taliska Milatariga ku yaala Xaafada Isha
Boorame , xabaduna halkaas ayey ka bilaabantay oo aanu cagta sii marinay
Qaybtii Taliska Xerada Birjeex oo aanu Maxaabiis aad iyo aad badan ka
sii daynay dadkaas oo ka mid ahaa Askarti Faqashta balse ku
abtirsanaysay asal ahaan ama Iyagu u haysteen inay yihin SNM loona
malaynayay inay xaga ka soo jeesanayaan markay Bilaabanto,waxanay
noqdeen, markii aanu Ooda ka qaadnay, waxa ay noqdeen wax anaga nagu soo
biiray iyo Qaar yidhi horta reeraha aanu qaxino marka hore oo dad
jilicsan ay ku ordayeen oo reerahooda ka mid ahaa .
Dagaalku wuxuu ka dhacay Biirjeex iyo Taliska Qaybta.
Markii cagta la mariyey Taliskii Guud Iyo Xeraddii
weynayd ee Birjeex ayaa Dooxa Weyn Hargeysa ka bilow ,Taliska Guud ee
Ciidamada Booliiska , Wershada Leydhka , Hargeysa Club, Miiska
Sarakiisha ,Mileteriga iyo Malka-Durduro
Hore ayaanu ugu soconay Magalada gudaheeda oo aanu galnay waxa aanu kula
kulanay Dooxa Hargeysa Ciidamo ka yimi Gabiley Iyo Boorame oo Gurmada
Siiba Dooxa Hargeysa Qaybta Shacabka halkaas oo dagaal xoogan oo
Qadhaadh uu ka Dhacay oo aanu jebinay cadowgii halkaas oo cagta aanu
mariney Ciidamaddii Faqashta .
Dabedeed hore ayaanu u soconay ilaa aanu gaadhnay Aaga Idaacada Radio
Hargeysa Iyo Qaybta Waqooyi oo aanu gebi ahaanba markiiba aanu Gacanta
ku qabanay halkaas oo dagaalkii Baahay oo aanu isu Qaybinay laba jiho
iska soo horjeeda qola waliba dhinaceeda ka dagalamayso, waxaana aanu
Gudagalnay Dhamaan Magaalada Hargeysa oo ay Gacanta ku dhigeen Ciidamada
SNM weliba Dhinaca Waqooyi oo ay Magaalada u Badnayd.
Aniga Mubaarik Yuusuf (Bidhi) hawlgalki Mujaahidiinta May Waxaan idiin
balanqaaday Sawiradii waxnaan soo raaciyey sawiradii Mujaahidiintaa
Maalmaahaas Iyo Sawiradoodii.
Alle haw naxariisto intoodii shahiiday,oo ay ka mid ahayeen,Xuseen
Kharashyare, Bidhidh , Muse Bidaar , Adan Salebaan iyo Xasan Cali Abokor,
Axmed Maxamed Cariish (Furcandho), Ina xasan Weere(Dhegal,a) ,Dhabuuke ,
Mujaahidiintii hablaha Xaliimo Iyo Khadra iyo qar kalo badan aad garan
kartaan Iyo odayaashii magalaada ku jiran ina fadul ,Ismaacil Geedi ,Dhagac
dhagac ,Jamac Basale,Dhuduqe,Dhabuuke, Xerow, ina wayd,Faarax Laangadhe
iyo qar kalo badan aad arki kartaan sawiirada inta badan Ee hadhay ma
qadayaan halkan sawiiradan oo kaliya ayaan soo diray kuwa kale markale
ayaan soo diri doona insha allaah Waxaan idiin balanqaaday Sawiradii
waan soo raaciyey sawiradii Mujaahidiintaa Malmahaas Iyo Sawiradoodii.
Waxaanse mar kasta ka cudurdaaranaya inan la wada qorin Karin Taarikhdii
Halgankii iyo mujaahidintiiba waxay u bahan tahay wakhtii aad iyo aad u
badan hubin badan .isla egid badan in laga wada sheekeyo dhamaan
layslana hubsado halganki Snm iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo
kuwa noolba ilaa Hargeysa ilaa Gabilay Odweyne ilaa burco .Saaxiil ilaa
bari ilaa galbeed iyo wadanka oo dhan meel kasta.
Waxaanse mar kasta ka cudurdaaranaya inan la wada qorin Karin Taarikhdii
Halgankii iyo mujaahidintiiba waxay u bahan tahay wakhtii aad iyo aad u
badan hubin badan .isla egid badan in laga wada sheekeyo dhamaan
layslana hubsado halganki Snm iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo
kuwa noolba ilaa Hargeysa ilaa Gabilay Odweyne ilaa burco .Saaxiil ilaa
bari ilaa galbeed iyo wadanka oo dhan meel kasta.
-ILAAHAY AYAA MAHADAA ISKA LEH-
Waxaa Diyaariyey Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) Birmingham UK.
Top
| Hay’adda
UNDP Iyo Wasaaradda Cadaaladda Oo Ciidanka Asluubta U Qabiyey Buug
Leh Astaantimihii Jamhuuriyaddii Somalia Iyo Saxeexii Siyaad Barre
|
Markaad Akhrido Buuggan Waxaa Maskaxdaada Ku Soo Dhacaysa Weli Ma Siyaad
Barre Dalka Ka Taliya
Hargeysa, June 1, 2008 (Haatuf) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan
Barnaamijka Horumarinta (UNDP) iyo masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda,
ayaa shalay koox ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland u qabiyay Buug
ah xeerka shuruucda iyo maamulka Xabsiyada oo ay dawladdii Keli-taliska
ahayd ee Maxamed Siyaad Barre u samaystay ciqaabta maxaabiistii
xabsiyadii dalkii laysku odhan jiray Somalia sannadihii siddeetamaadkii,
kaas oo uu ku saxeexan yahay dhiigyo-cabkii Maxamed Siyaad Barre.
Buuggan ayaa shalay waxa ciidanka Asluubta loogu qaybiyay xaflad shalay
lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo kooxdan
ciidanka Asluubta ah loogu xidhayay Siminaar muddo bil ah u socday, kuna
baranayeen nuxurka shuruucda uu xambaarsan yahay buuggani, iyadoo ay
siminaarkan soo qabanqaabisay hay’adda UNDP, isla markaana ay casharada
ka bixinayeen saraakiil ay hay’addaasi ka soo qaadatay Kenya iyo qaar ka
tirsan saraakiisha ciidanka Asluubta Somaliland.
Ciidanka Asluubta ee Siminaarka dhammaystay ayaa markii loo qaybiyay
buuggan, waxay ka muujiyeen cadho xoog leh, waxaanay ku dhaqaaqeen inay
diidaan iyagoo qaar ka mid ahi goobtii ku daadiyey, taasina waxay
goobtii siminaarka loogu xidhayay ka dhalisay guux iyo buuq, kadibna
wasiirka Cadaaladda Axmed Cali Casoowe iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta
Cabdi Guray oo goobta ku sugnaa ayaa ciidanka u sheegay inaanay waxba
kala socon soo daabicidda buuggan, isla markaana ay hay’adda UNDP ee soo
daabacday ay kala xaajoon doonaan, inkastoo ay ku cudur-daarteen in
sharciyadii dawladihii hore ee Somalia ka talin jiray lagaga dhacdo
dalka, kana uu kuwaas uun ka mid yahay, haddana ciidanku kuma ay qancin
taas.
Buuggan buuqa ka dhex dhaliyay ciidanka Asluubta iyo masuuliyiinta
Wasaaradda Cadaaladda, ayaa jaldigiisa sare leeyahay midabka calankii
Somalia ee buluugga ahaa, bogga hore ee jaldigana waxa ku xardhan
Astaantii Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Somalia ee burburtay oo ka
koobnayd calanka buluugga ah ee xidigta cad dhexda ku leh iyo laba
shabeel oo dhinacyada kaga taagan.
Xeerkan ayaa nuxurkiisu yahay wax ka bedel lagu sameeyay Xeerkii
Xabsiyadda ee Somalia loo sameeyay sannadkii 1971-kii, kaas oo loogu
magac-daray Xeer Nidaamiyaha Shuruucda iyo Maamulka Xabsiyada “Xeer Lr.
7” waxa uu Siyaad Barre soo saaray 1984-kii gaar ahaan bishii August
9-keedii, xilligaas oo ku beegnayd wakhtiyadii uu taliskii Siyaad Barre
xasuuqa ka waday goboladii Waqooyi [Soamliland], iyadoo sida la ogsoon
yahay dabayaaqadii isla sannadkaas uu Taliskii Siyaad Barre boqolaal qof
oo rayid ah ku laayay magaalooyinka Hargeysa, Sheekh, Burco iyo Gabiley,
halka boqolaal kalena xabsiyada lagu guray, halkaasna jidh-dil iyo
xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha ay ugu geysteen hay’adihii
cabudhinta dadweynaha ee ay hormoodka ka ahayd hay’adii Nabadsugidda (NSS).
Xeerkan ayaa marka qodobadiisa hoos loogu daadego, waxaa kaaga soo
baxaya inuu yahay xeerarka dawladaha keli-talisyadu xukumaan ay kula
dhaqmaan maxaabiista ku jirta Xabsiyada.
Sidoo kale, qodobo ka mid ah xeerkan ayaa waxay jidaynayaan in
Maxaabiista xabsiyada ku jirta ay hay’adaha Nabad-sugiddu ogolaanayso
cidda booqashada ugu tegaysa, taas oo hay’adda Nabadsugidda awood u
siinaysa inay dadka la-hayeyaasha ah ee ay soo xidhaan siday doonayaan
ay xabsiyadu ugu fududeeyaan.
Masalan qodobka 61aad, farqadiisa (t) waxay odhanaysaa: “La-hayeyaasha
hayntooda aanay soo xalaaleyn hay’adii sharci ahaan awoodda u lahayd
waxaa booqashadooda qoraal ahaan ugu ogolaanaya madaxda Nabadsugidda
Soomaaliyeed.”
Waxaa qodobkaasi iftiiminayaa in dad aan Maxkamadi soo xidhin xabsiyada
lagu hayo, kuwaas oo siday doonaan u maamulanayaan hay’adaha cabudhinta
dadweynaha ee taliskii Siyaad Barre ku caanka ahaa.
Sidoo kale, waxa qodob ka mid ah xeerkani uu gebi ahaanba tirtiray xeer
Lr. 453 oo ahaa xeerkii Xabsiyada goboladii waqooyi lagu maamuli jiray,
kaas oo ah qodobka 96aad ee xeerkani ayaa wuxuu odhanayaa: “Tirtirid;
Xeer Nidaamiyaha Xabsiyada Lambar 453 oo ka socday gobolada waqooyi waa
la tirtiray.”
Sida ku cad qodobkan xeerka Lr. 7 waxay xukuumaddii Siyaad Barre u
samaysatay goboladii waqooyi in lagu cadaadiyo oo uu gooni ku ahaa,
iyadoo aanay ku caddayn in sidoo kale uu xeerkani tirtiray xeer
nidaamiyihii lagu dhaqi jiray xabsiyada gobolada Koonfur ee Somalia.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland oo
hadda 17 jirsatay ay weli ka shaqeeyaan xeerarkii iyo shuruucdii uu
taliskii Faashiista ahaa ku ciqaabi jiray maxaabiista jeelasha ku jirta,
waxaanay taasi meel-ka-dhac iyo xad-gudub ku tahay xornimada Somaliland
ee 1991 dib loola soo noqday, kadib markii dadkeedii xasuuq loogu
geystay xeerarka ay maanta mar kale hay’adaha Qaramada Midoobay iyo
Xukuumadda Riyaale isku kaashadeen inay u soo daabacaan kuna
dhaqangeliyaan, iyagoo xataa ka xishoon waayay inay ka saaraan astaamaha
Jamhuuriyaddii Somalia ee burburtay iyo magaca taliyihii Milateriga ahaa
ee Siyaad Barre oo hadda mootanaa in ku dhow 14 sannadood.
Isweydiintu waxay tahay waa maxay baahida loo qabo xeer kan oo kale ah
oo xad-gudub loogu geysanayo xuquuqda maxaabiista iyo nidaamka dawliga
ah ee ku dhisan dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda maxbuuska.
Maxayse tahay sababta loo diyaarin waayay xeerar iyo shuruuc lagu
maamulo xabsiyada iyo maxaabiista ku jirta ee Somaliland, iyadoo ay
dalka joogaan boqolaal aqoonyahan oo tahli kara samaynta sharci la
jaan-qaada nidaamka casriga ah.
Si kasta ha ahaatee, waxaa run ah marka aad akhrido qodobada ku jira
xeerkan Lr. 7 ee shuruucda iyo maamulka xabsiyadii Siyaad Barre waxaa
maskaxdaada ku soo dhacaya inaanu weli dhiman Siyaad Barre ee uu weli
dalka ka taliyo.
| Beesha
Sallaxley Oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Lagu Qabanayo Toon
|
Hargeysa, June 01, 2008 (Haatuf) – Beesha Ciidagale oo ka mid ah beelaha
reer Somaliland ee degan gobolka Hargeysa ayaa la sheegayey in
badhtamaha bishan June 2008 shir ugu qabsoomi doono tuuladda Toon oo ku
taal koonfurta Hargeysa, kaas oo la filaayo inay iskugu iman doonaan
madax dhaqameedyada iyo cuqaal ka soo jeeda beeshaasi.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa laga dareemayey hindisaha shirkaasi
caasimada, waxaanay ilo xog-ogaal ahi noo sheegeen in shirweynahaasi uu
qabanqaabadiisa leeyahay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid
madaxdhaqameedyada beesha Salaxley oo ay tibaaxuhu sheegayeen in beer uu
leeyahay oo ku taal tuulada Toon lagu qaban doono.
Hase yeeshee ilaa hadda si rasmiya looma oga jiritaanka shirweynaha
lagaga hadli doono waxayse ilo xogogaal ahi sheegayaan in beesha
Ciidagale shirweynahaasi ay kaga arrinsan doonto, arrimaha ay ka mid
yihiin mawduuca gobol sidii loogu magacaabi lahaa degmada Sallaxley.
Waxa kale oo jira warar kale oo odhanaya, waxaa u jeedada shirkaasi Toon
loogu gogal xaadhayaa shirweyne beelaha Somaliland ay iskugu iman
doonaan taas ooo tibaaxuhu sheegayeen in boqor Raabi Yuusuf uu damacsan
yahay, sidii beesha Ciidagale ay mawqif adag uga istaagi lahayd
xukuumadda Riyaale.
Dhinaca kale waxaa iyana jira tibaaxo kale oo sheegaya in beesha
Ciidagale shirkaasi kaga arinsan doonto dano ugaara beeshooda, hase
yeeshee ilaa hadda si rasmiya looma oga jiritaanka shirweynahaasi iyo
ajandaha lagaga hadli doono.
|
Musharixiin Cusub Oo Ku Dhawaaqay Inay Tartanka Doorashooyinka Soo
Socda U Taagan Yihiin Iyagoo Madaxbanaan |
Hargeysa, June 01, 2008 (Haatuf) – Laba nin ayaa shalay sheegay inay
doorashooyinka soo socda u tartami doonaan madaxweyne iyo madaxweyne ku
xigeen madaxbaan, kaas oo ay sheegeen in ay ka quusteen muranka iyo
yoo-yootanka ay saddexda xisbi isku hayaan, isla markaana uu dastuurku u
fasaxaayo inay kaligood u tartamaan jagadda madaxweynaha.
Labadan C/raxmaan Maxamed Axmed X.Samatar, musharax ee sheegay inay u
tartamayaan madaxweynaha ayaa shalay shirjara’id ku qabtay Hoteelka
Xaraf Hotel ee magaaladda Hargeysa.
Labo nin oo kala ah C/raxmaan Maxamed Axmed X.Samatar oo ka soo jeeda G/Hargeysa
iyo Kayse Cali Garaad Maxamuud Cali Shire oo isna ka soo jeeda Sanaag
ayaa cadeeyey inay Murashixiin madaxbanaan kaga qayb gali doonaan
doorashooyinka Madaxtooyada ee fooda inagu soo haya.
Labadan Nin ee sheegay inay u soo banbexeen inay u tartamaan jagada
madaxweynenimada ayaa sheegay in haddii uu khilaaf yimaado oo
hungurigooda kursiga madaxweynaha ay ku kalsoon yihiin waxa uu sharcigu
ka qabo musharaxa madaxa banaan.
Labadan Nin waxa ay sheegeen in C/raxmaan Maxamed Axmed uu isku soo
taagi doono Jagada Madaxwayne-nimada isaga oo ah Musharax Madaxbanaan
halka Kayse Cali Garaad Maxamuud uu isna isku soo taagi doono jagada
Madaxwayne ku xigeenka,sidaana waxa ay ku sheegeen qoraal ay shirkaasi
Jaraa’id ka akhriyeen oo u qornaa sidan :-
“Waxaanu shacbiga reer Somaliland iyo Saxaafadaba u sheegaynaa:
1. Markaan eegnay marxalada siyaasadeed ee dalku marayo oo aanu muddo
dheerna dhagaysanaynay muranka Siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa saddexda
Xisbi qaran ee Udub, Kulmiye iyo Ucid.
2. Markaan Aragnay in is-haysigoodu halis ku yahay ummada mustaqbalkeeda.
3. Markaanu aragnay Cabsida ay ka qabaan dadwaynuhu Mustaqbalka markay
doorashadu dhacdo siday ugu heshiin doonaan natiijada ka soo baxda
tirada Codadka, Raga maanta ku heshiin la’a kordhinta Dastuuriga ah ee
Guurtidu kordhisay.
4. Markay noo cadaatay baahida wayn ee dalka iyo dadkuba u qabaan
helitaanka Musharax madax banaan oo aan ka socon saddexdan Xisbi ee ku
yooyootamaya Nasiibka Ummada iyo aayaha dalka.
5. Markaanu si qoto dheer u darisnay Dastuurka dalkeena iyo Sharciyada
aynu u codaynay.
6. Markaanu aragnay qodobka Dastuurka ee Tirsigiisu yahay 22aad ee
Xuquuqda Muwaadinka iyo faqradiisa 1aad iyo 2aad oo xaq u siinaya in
muwaadin kastaa ka qayb gali karo Tartanka doorashada qof ahaantiisa.
7. Markaanu akhrinay qodobka 82aad ee Dastuurka oo si cad u qeexaya
shuruudaha looga baahan yahay Murashaxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku
xigeenka.
8. Markaanu isku qancinay in aanu dhamaan shuruudaha buuxinayno.
9. Markaanu ku qanacnay in loo baahan yahay helitaanka Isbadel
siyaasadeed, in Dimuqraadiyadi ka hano qaado dalka iyo in doorasho xor
iyo xalaal ah dalka ka dhacdo.
10. Sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inaanu isku soo taagno Tartanka
Doorashada Madaxwaynaha ee soo socota, Anagoo kaga qayb galayna
Murashixiin madax banaan oo aan ka socon Xisbi, Urur iyo Koox toona,
sidaasi awgeed waxaanu maanta oo Bishu tahay 31/05/2008 waxaanu halkan
ku cadaynaynaa inaanu u taagan nahay murashixiin madax banaan oo Jagada
Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen u taagan, una mari doono waaxda
Sharciga iyo Dastuurkaba.
Waxaanu muwaadinkasta oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa ugu baaqaynaa inuu
ka soo qayb galo tartanka doorashada Madaxwayne-nimo ee soo socota si ay
dalka iyo dadku u helaan hogaan caafimaad qaba oo danaynaya Horumarkooda.
Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka reer Somaliland inay cidii danaynaysaa
ay dalkooda u soo gurmato oo ay ka soo qayb galaan tartanka
Madaxtinimada si loo helo hogaan daacad u ah Umadda, loogama xoreeyo
kooxahan isku haysta Kursiga 1991 ilaa Maantana Ishaysigoodu dalka
Curyaaminayay.
Ugu dambayntii waxaanu shacbiga Somaliland u balanqaadaynaa inaanu
barnaamijkayaga siyaasadeed ugu soo gudbin doono Warbaahinta Madaxa
banaan inta ka horeysa Fasaxida Ololaha tartanka Doorashada, ilaalinta
Sharciga awgeed waxaan u balan qaadaynaa shacbiga iyo Dowladaba in
aanaan u mari doonin Murashax-nimadayada dariiq sharci darro ah oo
aanaan ku kici doonin wax qas iyo Rabshado u keeni kara dalka iyo
dadkayaga.”
Intaasi ka dib Suxufiyiintii shirkaasi jaraa’id ka qayb gashay waxay
waydiiyeen labadaasi nin Su’aalo u dhacay sedan:-
S: Waxaan ogaydeen in ururkii Qaran inay xadhig la martay ururkii
siyaasadeed ee ay sheeganayeen, Markaasi idinka sideebay idiinku suurto
galaysaa in aad tartantaan?
J:Horta Ururka iyo Shaqsigu way kala duwan yihiin Annagu waxaan
doonaynaa xuquuqdii shaqsi ee ka qayb galka Tartanka doorashada , Annagu
ma aamin sanin in Ururka Qaran uu sharci ka horjoogsaday .
Waxaanan adaygsanaynaa oon ka doodaynaa nidaamka aynu qaadanay, haddii
wax laga bedelayana Sharcigii halagu noqdo.
S: C/raxmaan hore waxaad ugu jirtay Xisbiga Udub, inaad ka baxdayna maad
sheegin markaa Maxaad Murashaxnimadda Xisbigaaga dhexdiisa uga soo
bilaali wayday?
J: Xisbigu Mabaadii ayuu leeyahay Markaa mabda’a uu ku dhaqmayaa haddii
uu ku qancin waayo waad iskaga baxaysaa.
Marxaladii aan markii hore Xisbigaasi ugu jiray waa kala Labo markaasi
Aniga iyo qayrkayba waxaan leeyahay Xisbiga uu doono haku jiree waa loo
baahan yahay Murashixiin madax banaan.
S: Qodobadan aad adeegsanaysaa waa qodoba dastuuri ah horana siyaasiyiin
hore ayaa adeegsaday markaa qodabadan aad adeegsanaysaa miyaan la
odhankarin kuwaa buuqa dhaliyey ayey ka mid yihiin?
J: Waxa jira maxkamad dastuuri ah, qodobka laysku qabsado waxaa weeyi in
laysla tago maxkamada dastooriga ah, waxaa la moodaa in maxkamadii laga
baqaayo, markaa anagu ma aaminsanin maxkamadda dastuuriga ah cid baa leh,
haddii uu khilaafyimaado maxkamadda dastuuriga ayaanu u gudbinaynaa,
waxaanu ku qancaynaa go’aankay soo saarto maxkamadda dastuuriga ahi,
anbilna hadaanu qaadanayno oo aanu Heeg u qaadanayno oo aanu keenayno
looyaro cusub xaq baanu u leenahay, inta badan khilaafku waa suuqa iyo
mafrashyadda, walise maxkamadda dhexdeeda kamay dhicin laba dastuurka
isku qabsaday.
S: Maadaama oo aad ayidsan tihiin muddo kordhintii Guurtida oo shacbiga
iyo xisbiyada mucaaridkuba diideen, ma laga yaabaa in Xisbiga udub aad
dabada ku haysaan oo aad ku tiirsan tihiin?
J: Anagu Dastuurka ayaanu raacsanahay, haddaan diido muddo kordhinta
Guurtidda waxaan jabiyey qodob dastuuriya, dadku waxay isweydiinayaan
dastuuriyan ma ku waafaqsan tahay mise…ayey dadku ku qaybsan yihiin,
waanu ku faawaqsanahay sababtoo ah fowdo ma imanayo dalku oo gaab u
dhexeeyo, waxaanu xaq siinayaa si kasta ha ku timaado nabadgelyo ha ku
timaado ama nabadgelyo daro’e waayo waxbaa yimid waxaa yimid waxaa weeyi
muddadii ayaa timid iyadoo ay doorasho dhicin, sidaa darteed xaq bay u
yeesheen inay fadhiyaan.
S: Ma ku raacsantahay qodobkii ay cuskadeen guurtidu ee ahaa dalka
nabadgelyo daraa ka jira?
J: Nabadgelyo daradu maaha in uu dagaal dhaco uun, nabad-gelyo daradu
waxaa weeyaan waxkasta oo kaa horyimaada, duruuf ayaa timid, nabadgelyo
daro may dhicin, laakiinse wakhtiginii wuu dhacay markaa yeynu u
dhiibaynaa.
S: Waxaa jira qodob dastuuri ah oo sheegaya marka uu madaxweynuhu iyo ku
xigeenku ay baneeyaan ama muddadu ka dhamaato, wakhtigaa kala guurka
waxaa xilka sii qabanaya Guddoomiyaha golaha Guurtida, markaa qodobkaasi
miyaanu jirin?
J: Markaasi waa marka xilka laga qaado ama caafimaad ahaan xilka hayn
kari waayaan, ama iska casilaan labadooduba ayaa qodobkaasi imanayaa,
maaha marka uu wakhtigu ka dhamaado, marka uu muddadii ka dhamaato waxaa
uu dastuurku leeyahay guurtida ayaa awood u leh inay u kordhiso.
S: laakiin golaha guurtidu waxaa uu cuskaday inay dalka nabadgelyo daro
ka jirto wadanka, marka la eegana mandaqadan geeska ee aynu ku noolnahay
waa meesha ugu degan, markaa taas maxaad ka leedahay?
J: Anagu waxaanu nahay dadka aaminsanahay kan (Dastuurka) waa waxaynu
qoronay, wixii laga bedelayo bariba halaga bedelo, waxaanan ku qanci
karaa dastuurka oo I hor joogsadda, anagu waxaanu ka soo horjeednaa wax
alaale wixii ka soo horjeeda dastuurka hadduu Udub yahay, hadduu Kulmiye
yahay, iyo Hadduu Ucid yahayba, waxaynu heshiis ku nahay waa kan, wax
kale heshiis kuma nihin.
S: 80% waxay dadku ka soo horjeedaan muddo kordhintaas, markaa maadaama
oo aad taageerteen miyeydaan cod ku waayeen?
J : Anagu waxaan qabaa 90% way taageersan yihiin, laakiin anigu
dastuuriyan wixii aan ku raacay kolay in iga soo horjeeda waa la heliyaa
oo mucaarid iyo muxaafidba waa la heliyaa, laakiin qanac ayaa jira oo ah
aynu nabadgelyada ilaashano, saddexdan xisbina isma dhaamaan mar hadday
muranba keeneen oo dadkan dhiigoodii ku dhex ciyaarayaan, markaa anagu
waanu aaminsanahay sharciyan inay tahay.
| ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Wasiirka Daakhiligu Tog-Wajaale Jeebkiisuu Ka Fuudh
Yeelay Bulshadiina Wuu Kala Qaybiyay |
Tan iyo intii ka dambaysay magacaabista gobolka Gabiley iyo degmada Tog-Wajaale,
oo iyadu ah magaalo ganacsi oo ay xilligan ku nool yihiin mujtamac aad u
badan oo Somaliland oo dhan ka koobanayaa waxa durba soo baxaya
fara-gelintii caadada u ahaan jirtay wasiirka Arrimaha Gudaha eek u
beegnayd hadba degmadii dhaqaale ka jiro in uu ka abuuro ciriq siyaasiya
oo fool-xun isla markaana lagu kala qaybinayo bulshada deegaankaasi si
uu fursad uga helo buuqa iyo fawdada ka dhex abuurmaysa.
Hadaba waxa aan marnaba qarsoomayn fara gelinta xilligan uu ku soo
ekaysiiyay wasiirka arrimaha gudahu degmada Tog-Wajaale taas oo
saamaynteeda maalmahan dambe aad looga dareemayo guuxeeda iyo
xanshashaqa aan joogsiga lahayn ee ka bilaabmay Tog-Wajaale oo ay sabab
u tahay ka dib markii uu wasiirku beel gaar ah oo ka mid ah beelaha dega
Tog-Wajaale uu farta ugu fiiqay inay iyagu gaar u leeyihiinWajaale isla
markaana xukuumadu uga baahan tahay inay difaacdaan oo ay ilaashadaan
dakhliga cashuuraha ee halkan ka soo baxaya isaguna uu u hiilin doono
isna barbar taagay, waxa kale oo ay arrintani Tog-Wajaale ku soo
kordhisay shir beeleedyo hor leh iyo in beel waliba gaar isku tirsato oo
ay sheegato Tog-Wajaale.
Tusaale ahaana wali ma jiro sharci dhamaystiran oo uu wasiirku ugu
ogalaanayo maamulka Tog-Wajaale inay isticmaalaan daakhiliga uu gaarka
uga dhigay ee baanka looga furay Accuont-ka, waxayna u muuqataa fursad
musuqmaasuq oo uu ku faa’iidaysanayo wasiirka daakhiligu.
Maxamed X. Xasan Caanteynle
Top
|