Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1743 Jun 1, 2008

Jendayi Frazer Oo Haatuf U Xaqiijisay Inuu Maamulka Bush Doonayo Inay Xafiis Diblomaasi Ka Furtaan Hargeysa

Hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Oo Heshiis Kama Dambaysa Maanta Qallinka Ku Duugaya Kadib Markii Mucaaridku Ka Tanaasuleen Qodobo Laysku Mari La’aa

Golaha Ammaanka Oo Isniinta Cod U Qaadaya Qaraar Maraakiibta Dagaalka U Fasaxaya Inay Galaan Baddaha Somalia 

Hargeysa Miyey Ilowday Kumanaankii Halyey Ee Xoriyadeeda Nafta U Huray  

Xusuustii Mubaarik Yusuf (Bidhi) Iyo 31 May 1988-Hargeysa Sanadguuraddii 20-Aad
31/05/08   

Hay’adda UNDP Iyo Wasaaradda Cadaaladda Oo Ciidanka Asluubta U Qabiyey Buug Leh Astaantimihii Jamhuuriyaddii Somalia Iyo Saxeexii Siyaad Barre  

Beesha Sallaxley Oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Lagu Qabanayo Toon 

Musharixiin Cusub Oo Ku Dhawaaqay Inay Tartanka Doorashooyinka Soo Socda U Taagan Yihiin Iyagoo Madaxbanaan

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wasiirka Daakhiligu Tog-Wajaale Jeebkiisuu Ka Fuudh Yeelay Bulshadiina Wuu Kala Qaybiyay  

 

 

 

 

 

 

 

 


Jendayi Frazer Oo Haatuf U Xaqiijisay Inuu Maamulka Bush Doonayo Inay Xafiis Diblomaasi Ka Furtaan Hargeysa

“Arrinta Ictiraafka Markay noqoto Go’aankayagii waxa raajiyay Midowga Afrka oo aanu filaynay inay tallaabada hore qaadaan, nasiibdarose Midowga Afrika Weli Arrintaas go’aan Kamay Gaadhin”

Seattle, June 1, 2008 (Haatuf) – Sarkaalka ugu sareeya ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sheegtay inuu Maamulka Madaxweyne George Bush ee Maraykanku doonayo inay xafiis diblomaasi ah ka furtaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale Frazer waxay nasiib-darro ku tilmaantay inaanu Midowga Afrika weli go’aan ka gaadhin qadiyadda ictiraafka Somaliland, iyadoo xustay in taasi ay raajisay go’aankii ay Dawladda Maraykanku ka gaadhi lahayd in ay Somaliland u ictiraafto qaran madax banaan.

Ms. Jendayi Frazer, oo Khamiistii ina dhaaftay Muxaadaro loogu magac-daray “Mustaqbalka Afrika iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka” ka jeedisay Hoolka William H. Gates ee Jaamacadda Washington (University of Washington) oo ku taal magaalada Seattle ee gobolka Washington, ayaa waxay si qoto dheer uga hadashay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo saameynta ay ku yeelan doonto mustaqbalka qaaradda Afrika, waxaana markii ay dhammaysay muxaadaradeeda waxaa halkaas lagu weydiiyay su’aalo farabadan.

Jamaal Cabdi Gaboobe oo Shahaadada Ph.D ka diyaarinaya Jaamacadda Washington, ka tirsan Haatuf, ayaa Jendayi Frazer weydiiyay su’aal ahayd “Su’aashaydu waxay ku saabsan tahay Somaliland. Dhawr bilood ka hor, Madaxweynaha Somaliland ayaa Washington DC yimid, kadibna adiga ayaa Somaliland tegay, inkastoo tegistaadu ay aad u raagtay, haddana dadka reer Somaliland aad ayay ugu riyaaqeen booqashadaadii. Haddaba ma noo sheegi kartaa sida uu yahay xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland? (My question is about Somaliland. A few months ago, the President of Somaliland visited Washington. After that, you returned the visit and went to Somaliland, a visit that was much overdue and much appreciated by the people there. Can you tell us what is the status of the US relations with Somaliland?)”

Jendayi Frazer oo su’aashaas ka jawaabaysa ayaa waxay tidhi: “Waa dhab waxaa aad sheegtay. Madaxweynaha Somaliland wuu noogu yimid Maraykanka, aniguna waan tegay Somaliland, xidhiidhna waanu la leenahay Somaliland, waxyaabo badan oo wanaagsanna way qabsadeen. Somaliland dimuqraadiyad baa ka jirta, doorashooyinna way ka dhaceen qaar kalena way soo socdaan. Markaa arrimahas oo dhan baanu danaynaa oo aanu kala shaqaynaa Somaliland. Waxa kale oo aanu Somaliland wadaagnaa oo aanu iska kaashanaa arrinta la dagaalanka argagixisada.”
Ms. Frazer oo waxa kale oo ay ka hadashay arrinta ictiraafka iyo mawqifka ay ka taagan tahay Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay George Bush, waxaanay tidhi: “Markay arrinta ictiraafka noqoto, anagu [Maraykanka] waxaanu nidhi waxaanu sugaynaa oo aanu filaynay inay Midowga Afrika (AU) tallaabada hore qaadaan. Waxaanu rajaynaynay inay go’aan ka gaadhaan arrintaas, nasiibdarro-se Midowga Afrika weli arrintaas go’aan kamay gaadhin, taas baana raajisay go’aankayagii.”

Ugu dambayntii waxa ay Ms. Frazer sheegtay inay Xukuumadda Maraykanku damacsan tahay inay xafiis diblomaasiyadda ah ka furato magaalada caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa, waxaanay tidhi: “Immika waxyaabaha aanu ka fekerayno waxa ka mid ah inaanu xafiis diblomaasi ah ka furano Somaliland, laakiin ma hubo inaanu ka gaadhsiin doono lixda bilood ee noo hadhay.”

 


 Hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Oo Heshiis Kama Dambaysa Maanta Qallinka Ku Duugaya Kadib Markii Mucaaridku Ka Tanaasuleen Qodobo Laysku Mari La’aa 

Hargeysa, June 01, 2008 (Haatuf) – Wada hadaladii muddada labada todobaada u socday hogaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran Udub, Kulmiye, iyo Ucid ayaa la filayaa in kulankooda shanaad ee ay maanta iskugu iman doonaan qasriga madaxtooyada ay heshiis kama dambeysa ka soo saari doonaan qodobadii ay hore isugu mariwaayeen, ka dib markii la sheegay in Xisbiga Kulmiye oo aragtidii dawladda wadaaga in la sameeyo ku adkaa uu tanaasul ka muujiyey kadib markii ay xisbiga Ucid ay ku kala aragti duwanaadeen qodobkaas , sidaa darteedna xisbiga Kulmiye oo isagu ku adkaa qodobkaas ah dawladda wadaaga ah ayaa isaguna la sheegay in tanaasulka arintaasi uu dhaafsaday in doorashada madaxtooyada laga soo hor mariyo doorashada goleyaasha Deegaanka. Sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ahi arinta kala horaysiinta labada doorasho ayaa la sheegay in isfaham laga gaadhay in la soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada oo hore loogu qorsheeyey 15-ka March 2009, taas oo la sheegay in Xisbiga Udub ay arintaasi danaynayaan in doorashooyinka Madaxtooyadu dhacaan inta ay golayaasha deegaanka ee haddu ay shaqaynayaan, kuwaas oo u badan Xisbiga Udub, a waxayna tibaaxahani intaa ku darayaan in qodobada ay ka midka yihiin sidii (Guddi) Board madaxbanaan loogu samayn lahaa warbaahinta dawladda sida Tv-ga iyo Radio Hargeysa iyagana laysla qaatay, waxaana la filayaa in kulanka shanaad ee maanta iyadana lagu soo afjaro wax ka bedelkii qodobadda xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo heshiiska ku jiray inuu madaxweyne Riyaale goleyaasha baarlamaaanka ugudbiyo si ay wax ka bedel ku meelgaadha ugu sameeyaan qodobada ka hor imanaya wakhtiga laysla qaatay ( Time line-ka) cusub ee ay saddexda xisbi iyo Komishanku iskula qaateen xilliga qabsooomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, taas oo la filayo inuu Riyaale maanta ugudbiyo shirgudoonada labada gole baarlamaan, waxaa kale oo ay tibaaxuhu intaas ku darayaan in Xisbiga Kulmiye ka tanaasulay arinkii hirgelinta Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ka dib markii Udub iyo Ucid la sheegay inay ku adkaysteen in Diiwaangelintu codbixiyayaashu tahay qabashadeedu mid dastuuri ah, xisbiga Kulmiye oo isagu ku doodayey in diiwaangelinta layska dhaafo ayaa la sheegay inuu markii dambe ku raacay mawqifka Ucid iyo Udub ka istaageen hirgelinta Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Waxaa kale oo ka mid ah qodobadda la sheegay inay wada jir qalinka ugu duugi doonaan, in haddii ay doorashooyinkaasi xilligaasi ku qabsoomi waayaan ay saddexda xisbi ka tashan doonaan talada lagaga gudbi karo xaaladaasi inay ka tashadaan saddexda Xisbi waxna iskaga ogaadaan (code of conduct) .

 


 Golaha Ammaanka Oo Isniinta Cod U Qaadaya Qaraar Maraakiibta Dagaalka U Fasaxaya Inay Galaan Baddaha Somalia  

New York, June 1, 2008 (W. Wararka) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii dorraad soo geba-gabeeyay qaraar horyaala oo u fasaxaya Maraakiibta Ajnebiga ah ee dagaalku inay galaan gudaha xeebaha Somalia si ay budh-cad baddeeda u ugaadhsadaan, kuwaas oo khatar weyn ku haya maraakiibta maraya baddaha Somalia ku xeeran, tobanaan maraakiib ahna sannadkan gudihiisa oo keliya ku afduubay.

Budh-cad Baddeeda ayaa beryahan dambe ku soo badanaysay xeebaha dalka Somalia, iyadoo maraakiib badan afduub loogu geystay, waxaana labadii markab ee u dambeeyay Arbacadii ina dhaaftay lagu afduubay xeebaha maamul-goboleedka Puntland ee Somalia.

Qaraarkan laysku raacsan yahay oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u coddeyn doono Isniinta berito, ayaa jawaab u noqonay codsiyo ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Xukuumadda Mbagathi, kuwaas oo dalbaday in caalamku gacan ka geysto sidii loola dagaalami lahaa dhibaatada ay budhcad baddeedu ku hayaan Maraakiibta maraysa xeebaha Somalia iyo kuwa gargaarka aadamnimo u sida dad dhibaataysan ee ku nool gudaha dalka Somalia.

Qaraarkan ayaa muddo lix bilood ah waxa uu u fasaxayaa inay Maraakiibta dagaalka ee wadamada Iskaashiga la leh dawladda Mbagathi galaan xeebaha gudaha Somalia, iyadoo ujeedadoodu tahay inay ka hortagaan dhaqdhaqaaqyada budhcad baddeeda iyo afduubka Maraakiibta ee halkaas ka dhaca.

Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa iyagu hore ugu sugnaa xeebaha dalka Somalia, kuwaas oo isku dayaya inay badbaadiyaan maraakiibta ajnebiga ee baddahaa maraya.
Hadalkan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya Xili ay jiraan maraakiib lagu haysto Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ay afduubteen Budhcad badeed Soomaali ah oo madax furarsho lacageed ka doonaya.

 


 Hargeysa Miyey Ilowday Kumanaankii Halyey Ee Xoriyadeeda Nafta U Huray  

“In Maanta Dalkeena Dagaal Ka Dhaco Looma Baahna Taa Waynu Ka Soo Gudubnay..”
Axmed Siillaanyo Iyo C/Raxmaan Aw Cali Oo Khudbado Ka Jeediyey Xuska 31-Ka May

Hargeysa, June 1, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Dhaqdhaqaaqii xorraynta ee ururkii SNM, ayaa ku baraarujiyey halgamayaashii ururkii SNM iyo taageerayaashoodiiba inay taariikhda uga faa’iideystaan in aanu dib ugu soo noqon wixii hore u soo maray, sida keli-talisnimo, cabudhin iyo cadaadiskii ay ka dhiidhiyeen, isaga oo sheegay in aan loo baahnayn halgan dambe iyo in dib loo qaato qori.

Sidoo kale Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa isna niyad-jab ka muujiyay sida look ala qo-qobay mujaahidiin SNM ee caasimadda, isagoo is-barbar dhigay xafladda shalay lagu xusay 31-ka May iyo tii Burco lagu xusay 27 May oo uu sheegay inuu faraq weyni u dhexeeyay.

Ugu horeyn Axmed Siilaanyo oo shalay ka hadlay xaflad loo sameeyey xuska sannadguurada 20aad ee 31ka May 1988 oo ah maalintii xooggagii SNM ay gulufka ku soo galeen gudaha magaalada Hargeysa, halkaasna ay foodda isku dareen ciidankii ugu xoogga weynaa Taliskii Siyaad Barre ee degganaa Qaybtii 26aad ee Hargeysa, waxa uu difaacay go’aankii ururkii SNM ku soo galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco May 27/31, 1988, kaas oo ahaa mid miidaamo ah marka loo eego tirada ciidan iyo saanadda oo aad uga yarayd ciidamadii Taliska ee fadhiyey Burco iyo Hargeysa. Waxa kale oo uu difaacay midhaha halgankii SNM.

Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey maamulka Jamciyadda SOOYAAL, laguna qabtay xarunta Jamciyadda ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay tiro kooban oo ka mid ah halgamayaashii SNM.

“Waxa taariikhda loo ilaaliyaa in aanay lumin, waxaa laga digtoonaanayaa waxa iman kara ama soo socda, waa in aanad dabinkii aad ku dhacday berrigii hore aanad kiisii oo kale ku dhicin, in aan dabinkii hore oo kale dib u soo marin ummadda, waxa taariikhda laga anfacaa intaa weeye,” ayuu yidhi Muj. Axmed Siilaanyo.

Isaga oo ka warramaya taariikhdii galka Burco iyo Hargeysa, wakhtigaas oo uu isagu hoggaaminayey ururkii SNM, waxa uu yidhi, mudane Siilaanyo, “Labadan taariikhood ee caanka ah ee aynu soo gudo galnay Burco iyo Hargaysa maxay ku timi? Waxay ku timi iyada oo halgankii socdo markii la soo galayay magaalooyinka waawayn, waa la ogaa mujaahidiinta, hogaanka iyo xubnaha SNM meel ay joogaanba kama ay qarsoonayn mar qudha in aanu is leekayn marka Ciidan ahaan loo eego, ciidankii ay doonayeen in ay ka maroojiyaan dalka, waxa ay u soo badheedhayeen mid ka qarsoon marnaba ma ahayn, laakiin waxa hortooda yimi doorasho, waa wakhtigii ay Mingistu iyo Siyaad Barre heshiiyeen in jabhadihii la kala joojisto, in dhulkii aynu gaboodka ka dhigan jirnay aanay inoo suurto gelayn.

“Dad baan maqlaa aan iyagu nasteex ka ahayn halgankii SNM oo iyagu meel alaale iyo meel ay kaga jireen aanay jirin ayaa yidhaahda, may ahayne waxa iska soo galay inamo mujaahidiin ah, waxa ay doonayaan in ay kala qaybshaan halgankii SNM. Wuxuu ahaa go’aan iyo talo laga wada tashaday oo la qaatay oo laga wada arrinsaday oo ahaa maxaynu yeelnaa, aynu is maqiiqno oo aynu galno. Ciidanka soo galay Burco iyo Hargaysa, labada aagba kamay badnayn dhowr kun oo qof, ciidamada loo badheedhayaana intay leekaayeen tiro iyo xoogba waa la ogaa, midh intaa leegi inagama qarsoonayn. Saraakiishii markii aan la tashanayay rag badan ayaa yidhi tallaabada aynu ku dhaqaaqayno marka cilmi milateri la eego macno ay samaynaysaa ma jirto, wax loo babac dhigi karana maaha, laakiin haddii aynu is maqiiqayno waa halkeeda, waxa lagu tashaday in sida ay tahay la isugu soo shubo shoolada, waa tii Burco iyo Hargaysaba la soo galay. Halgankii dhibaato kastaa ha soo gaadho, ummad badani ha ku shahiido, khasaare badani ha ku yimaado, mid loo badheedhay oo loo kacay oo nafta loo huray ayuu ahaa. Laakiin jawaabtu waxa weeye midhihii la doonayay ma dhalay mise ma dhalin, wuu dhalay midhihii la doonayay runtii, oo nabarka Siyaad Barre rajiimkiisii ka soo waaqsan waayay ee uu aakhirkii doogteedii u dhintay waxa uu ahaa dagaalkii 1988-kii la soo galay buu ahaa runtii”.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay midhihii halgankii iyo waxa maanta la gudboon shacbiga Somaliland guud ahaan iyo halgamayaashii SNM, isaga oo ka jawaabaya cabashada had iyo goor ka soo yeedhay halgamayaashii SNM ee ah in qaranka Somaliland aanu u abaalgudin mujaahidiintii oo daryeel la’aan iyo shaqa la’aani hayso, taas oo haweeney ka mid ahayd mujaahidiintii dagaalamayey ee soo galay Hargeysa. Waxana uu yidhi, “Maxaa haddaba maanta yaala weeye su’aashu, aniga waxay ila tahay maalin kasta calaacal aynu calaacalnaa wax wayn oo uu tarayaa ma jiro, taariikhdu waa wax socda, maalin walba waxa uu qaadanayaa halganku waji cusub oo hor leh, in maalin walba xabad la isku xoreeyo looma baahna. In maanta dalkeena dagaal ka dhaco looma baahna taa waynu ka soo gudubnay oo waynu dhamaynay, maanta waxaa loo baahan yahay haddii aynu doonayno dalkeena mid jooga iyo mustaqbalka iman doona kii uu doono ha noqdee in aynu qaab dimuquraadi ah uga tabaabushaysano oo ka ilaalino nooc kasta oo ay tahay in aan kali-talisnimo, cabudhin, cago-juglan iyo xoriyadda dadka oo la qaadaa midna aanu iman, waxaynu u baahanahay in aynu qaab dimuquraadi ah oo cod ah, oo cadar ah oo taageero ah ugu hiilino marba meesha dimuquraadiyada iyo xoriyadu ku nuurto oo aynu hubino in aanay dib inooga lumin, oo aanay jiil danbe oo dadkeena ah ku ajburin in ay dib u halgamaan oo xabad dib u qaataan, waxaynu u baahanahay in aynu nidaamka aynu dhiganay ee dimuquraadiga ah iyo ka codaynta ah aynu wax toosinteena ku salayno.”

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Milateri ee ururkii SNM, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii horkacaysey ciidamadii SNM ee soo galay Hargeysa May 31, 1998 ayaa isaguna xafladdaasi ka hadlay, waxana uu is barbardhigay xafladda shalay lagu qabtay Hargeysa iyo tii 27 May ee lagu qabtay Burco oo uu iyadana ka qaybgalay. Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa kale oo uu ka hadlay taariikhdii halganka iyo midhaha ka soo baxay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi,
“Haddii aan ka hadlo maalintan iyada ah, waxay ahayd maalin wayn, waxaa la yidhi maalmaha ha la mideeyo, maalin Burcaa la soo galay maalinna Hargaysaa la soo galay, waxay ahayd in mar la soo wada galo oo ay maalin kaliya ahaato way haboonayd, laakiin may dhicin, markaa taariikhdu hadday u dhacday laba cisho in ay noqdeen, u malayn maayo in ay culays cid ku hayso in laba cisho la xuso.

Anigu maalintii dhawayd Burco ayaan tagay, Burco oo 27-kii May, lagu xusayay ayaan kala soo qayb galay, madal ka qurux badan tan ayay ahayd, dad iskaga yuhuun wanaagsan sida aan arkayo iminka ayay ahaayeen, dad wax wada leh ayay ahaayeen, waxay leeyihiin wada xusaya ayay ahaayeen. Halkan waxaan ku arkaa Telefiishanku in uu dadka kala qayb saday, oo toban toban loo kala qaatay, oo maalin dagaal loo kala qaatay. Burco waxaan ku arkay xaflad ka qurux badan, ka wanaagsan, mujaahidiin isku duuban oo ka fiican, waar raggiinii wada joogay ee wada dhaawacmay ee midna lug la’yahay midna il la’yahay midna uu lugta jiidayo ee haddana maanta wada jooga, raggiinii caynkaas ahaa in aydin maanta saacadaa la idinkala qaybiyo oo habeenba qolo mikirifoonka ka soo jeesato iyada oo nacnaclaynaysa maaha, biyo ha layskaga daro bahasha, intaasi waa iga talo.

Haddii laga hadlo maalintan, maalin wayn ayay ahayd, maxaa SNM ku kelifay in ay gudaha soo gasho? Waxay ahayd in ay SNM jirto ama aanay jirin, in halgankii jiro ama aanu jirin, sidaas oo kale ayay 27-kii May iyo 31-kii la mid ahaayeen, in halgankii shooladiisii dento iyo in uu sii socdo oo ummadu dagaalkii halkaa ka sii wado, labadaa ayaa la kala doortay, waxay ahayd guul ama geeri, labadii dawladood ayaa heshiiyay, in aynu maxaabiis noqono oo la inakala bedesho iyo in aynu dagaalkii sii wadno labadaa mid ayay ahayd, sidaas ayaa lagu soo galay dalka, hordhicii ayay ahayd halgankii lagu xoreeyay dalka, halgankuna mid ummadda oo dhami u dhantahay ayuu ahaa, inteenii qoriga sidatay kaliya muu ahayn.

Somaliland gobonimo ayay haysaa, dariiqii ma taagan tahay, Mujaahidiintii wax ma u qabatay, halkii laga doonayay ma gaadhay, caddaaladii laga filayay ma la hantay? Taasi murankeeda iyo ka hadalkeeda ayay leedahay, maaha marka la soo hadal-qaado in si kale loo qaato maaha. Midna ha isku qoomamaynina, inaga oo kaliya maaha, rag halgamayaal ah oo hore ayaa la waydiiyay, sidii ay dagaal ugu soo jireen ayay markii danbe dalkii xoreeyeen, mise dalkii waxba kuma hayaan iyagu, markaasaa la yidhi hebelow ma halkan ayaad ka fadhidaa bahashii tacabkii intii leekaa inagaga baxay, wuxuu yidhi “Ragbaa u fikira, waxaa ku dagaalama geesiyada, waxaa dhaxla fulayaasha.” Hays odhanina waar maxay idinka wax idiinka soo gaadhi waayeen, dadka joogaa waa kuwaad dalka u xoraynayseen, kuwii inaga soo hor jeeday ee dagaalka inagula jiray ee Afwayne dhiniciisa ka soo jeeday ayaa laga yaabaa in ay Madaxyihiin, dadkii aynu dalka u xoraynay ayay ka mid yihiin waxaan leeyahay bahasha wax ha la iska gaadhsiiyo anaguba kaligayo ma doonayno’e.”

Si kasta ha ahaateen, waxaa maalintii shalay si weyn loo dareemay shacbiga reer Hargeysa oo markii ugu horeysay ka seexday isla markaana aan xusin kumanaan geesi oo habeen madow dabka madax-madax isugu soo tuuray, una soo badheedhay dagaal inay la galaan mid ka mid ah quwadihii milateri ee Afrika ugu balaadhnaa, si ay Hargeysa uga xoreeyaan ciidamadii daaquutkii Maxamed Siyaad Barre, nasiib-darrose Xukuumadda hadda jirta oo u badan taliskii xilligaas SNM la dagaalamaysay ayaad moodaa inay ku guulaysteen inay seexiyaan dadka reer Hargeysa oo ay tahli kari waayaan xataa inay isugu soo baxay barxadda Xarunta Sooyaal ee ay mujaahidiintii SNM intii ka hadhay ee naafada ahayd iyagu isku xusayeen, halkii ay ahayd in maanta iyaga kor loo qaado, lana xuso taariikhda baalka dahabka ah ee ay kaga qoran yihiin.

Dhinaca kale, Xaflad balaadhan oo loogu talo galay xuska maalinta 31 May ee gudda galkii Hargeysa ee Mujaahidiinta SNM ayaa xalay lagu qabtey Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen urur dhalinyaro oo la yidhaahdo Afgarad aya waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin farabadan oo ka kala socda sadddexda Xisbi Kulmiye, Ucid iyo Udub iyo waliba urur siyaasadeedka Qaran, Culima’udiin, madaxdii mujaahidiinta SNMm, odayaal wax garad ah, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale oo badan.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuudd Siilaanyo, isla markaana ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda maalintan 31 May iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee ku kalifay in ay maalmahaasi dagaal ku soo galaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Axmed Siilaanyo isaga oo halgankaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “In qolo walba jabhado ka soo horjeedda ay wax ka qabato, hase yeeshee maalintii ay sidaasi dhacday ayaa wefti aan wato aanu u tegnay madaxweynihii Itoobiye Mingaste, waxaanan xasuusinay maalintii ugu horeysay 1984, hadalada uu igula hadlay, waxaanu berigaasi igu yidhi, waxaanu nahay dad qawl leh sharaf leh, balan ay qaadaana aan waligood ka bixin, halgankiinana gacan baanu idinka siinaynaa ilaa inta aad ka guuleysanaysaan, maalintii dambe ee aanu u tagnay ayaa waxaa aan ku idhi, balankii aad nala gashay miyaad ka baxday, miyeydaan qawl iyo sharaftii aad sheeganayseen aydaan lahayn, miyee intaaba waanu leenahay balse maanta wakhti adag baa na haya, waxaanan idinka doonayaa in aad in muddo ah ciidamadiina aad gudaha aad gelisaan si aan heshiiskaas u buuxiyo, waayo ciidankaasi ayuu u baahday in uu dhinaca Eratariya u qaado, ka bacdi waxaanu ku nidhi dadkayagii waxay ku jiraan oo ka dagaalamayaan gudaha Somaliya, dadkayagana shacbiga ayaa dagaalamaya waxaa la laynayaana waa shacbiga, markaa waxaa aanu doonaynaa in aad oxogay ciidan ah oo shacbiga ilaalisa noo siiso oxogaa Rasaas iyo shidaal ah, markaa anagu intaanan hadaladaas odhan waanu sii tashanay , oo go’aankayagu meel buu noo ahaa, dadka qaar ayaa meelaha ka yidhaahda hogaanka ururka waxba kama goyn go’aankan dagaalka ah ee ciidamada SNM wakhtigaasi qaadeen waxaa uu ahaa go’aan ciidamada ka soo go’ay, wax alaale wax ka jiray may jirin, waxaa uu ahaa go’aan hogaanka ururka iyo halgamayaashu u dhami isugu yimaadeen, laguwada tashaday la qaatay go’aankani waxaan la fileyn muu ahayn laakiin waxaa loogala jeeday waxay ahayd haddii uu ku dhamaan karayona in lagu dhameeyo,haddii kalana dhaawac aanay ka soo kicin ciidamaduu siyaad bare in loo gaysto, tiibana dhacday dagaalkaasina waa ka aakhirkii noqday nabarkii diley Siyaad Barre rajiimkiisii, horta taariikhda iyo ahmiyadda uu dagaalkaasi huwanaa ee xoreynta Somaliland iyo madaxbanaanideeda, isla markaana uu Siyaad Barre u ku jabay wuxuu ahaa dagaalkaasi iyo gudagalkaasi barigaasi “ ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Isaga oo intaa sii raaciyey “ xaaladda aynu maanta taaganahay waxba kaga dheeraan mayno laakiin aynu mid ogaano, waxaa koonfur ka dhacayaa waynu wada ogsoonahay, SNM waxay hogaanka dalka ku wareejisay markii ay xoreysay, inkasta oo ay dad badani u arkaan go’aankaasi SNM mid daciifa ,hase yeeshee wuxuu ahaa mid ka yimid shirkii ka dhacay Balligubadle, ee aniga laygaga wareejiyey Xilka guddoomiyenimada SNM, shirkaas go’aanka aan ka soo saaray waxaa uu ahaa laba sanno marka aynu hayno xukunka dalka waa in shacbiga lagu wareejiyaa ayuu ahaa go’aanka shirkaasi SNM ku gaadhay, hadaba go’aakaasi ma sax buu ahaa mise khalad ?

Dad baa yidhaahda hadal bay ahayd,halka ay dadka qaarna ka yidhaahdaan sax buu ahaa mida doono ha noqdee wuxuu ahaa go’aan SNM gaadhay oo ku salaysan maadaama halganku ahaa mid himiladda shacbiga iyo xoriyadiisa loogu jiray in shacbiga lagu wareejiyo xukunka si ay iyagu uga tashadaan horumarkooda iyo aayahooda markaa anigu waxaan aaminsanahay khasab naguma ah, khaladna naguma aha maantan anigu ma qabo in aynu gaadhnay ilaahay ha inama gaadhsiiyo in dalkeena dagaal iyo xabad markale ku xorayno, waxaanse qabaa inaga oon taa u baahnayn haddii aynu dadkeena badbaado fiican u noqono, oo aynu ilaalino dimuqraadiyadeena iyo horumarka, hadaynu nidaamkasta oo inoo yimaada ka ilaalino xadgudubka ma dhacayso in aynu dagaal markale galno, markaa ka aynu u baahan nahay waa kaas in aynu gacan iyo taageero isku siino. “

Waxaa kale oo halkaasi ka Hadley Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu wakhtigaasi ahaa taliyaha hogaaminaayey Ciidamada SNM ee aaga galbeed, waxaanu Muuse si qoto dheer uga waramay qaabkii milatari ee uu ciidamada SNM ee u hogaaminayey ku soo galeen magaaladda Hargeysa iyo nawaaxigeeda 31 May 1988 kii iyo guulal ay ka soo hooyeen.

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay xubno faro badan oo ay ka mid yihiin Boobe Yuusuf Ducaale, Baashe Cabdi Gaboobe oo ka socday ururka Qaran, Xasan Suldaan oo ka socday Ucid, Xildhibaan Maxamed Caraale Duur oo ka tirsan xisbiga Udub, Sheekh Aadan Xaaji Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ah culuma’udiinka reer Somaliland iyo Guddoomiyaha ururka Af-garad Maxamed Xuseen Dhabeeye, kuwaas oo dhamaantood si hufan uga waramay ahmiyadda ay maalintan 31 May ugu fadhido taariikhda dalka Somaliland.

 


 Xusuustii Mubaarik Yusuf (Bidhi) Iyo 31 May 1988-Hargeysa Sanadguuraddii 20-Aad
31/05/08   

Waxaan u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 31 MAY IYO DHamaan wadanka oo dhan.
Iyadoo ay ka soo wareegtay Maanta sanadguuraddii 20aad markii ciidamada.

Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay Ubad badan, waqtigaas ayaa ahaa mid markii hore werwer iyo naxdin ku sameeyey dadweynihii SNM oo heshiiskii Mingiste iyo Siyaad barre inuu waxyeelo gaadhsiinaayo halgankii SNM lakiin waqti yar dabadeed taasu waxay dhalisay in Gudagalkii SNM farxad aad u weyn ku noqday Shacabkii Balaadhnaa ee Gudaha Iyo debadda Joogay markii ay Geesiyaasha SNM gudaha isugu Shubeen dhulkoodu si ay cadowga uga Xoreyaan Taasoo go,aankoodu ahaa Geerri iyo Gobanimo.

waxaa ay 31 May ku xardhantahay kuna Suntantahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanuhu ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalada Hargeysa.

Arintaas ayaa waxay Bog cusub u furtay Taariikhda Geeska Africa iyadoo Siyaasaddii wax ka bedeshay Mandaqada.
Geesiyadii Maalintaasi soo galay kumay tala gelin inay noolaadaan oo iyagu ka faa,ideystaan midhaha Halganka laakiin waxa hadafkoodu ahaa inay umaddooda xoreeyaan si jiilka soo socdaa u helo xornimo buuxda iyo Nolol Wanaagsan.
Runtii Waxay muujiyeen geesinimo aad u Badan, oo ay dalkooda iyo dadkooda jecel yihiin ,kuna doonayeenn Cadaalad , Nabad iyo mabda' adayg.

Waxaa loo baahan yahay in Taariikhdaa qaaliga la ilaaliyo, lagana faaideysto waxna laga barto lagana dhigo mid lakala dhaxlo.

Mujaahidiintii SNM intii noolna waxaan leeyahay 'la shukri Calaa Waajib' waxaad u Naftiina u hurteen dadkiinii iyo dalkiinii waxaana aad mudantihiin milgo maamuus iyo sharaf midhaheediina maanta waa Somaliland.

Intii shahiidayna illaahay ha u naxariisto oo janaddii al fardowsa ha ka waraabiyo.
Shacaybkiinii Qiimaha lahaa ee hiil iyo hooba la garab taagnaana waxaad Gudateen waajibkiinii wixii naf iyo maal lagu waayeyna illaahay wax khayr qab ha idiinku bedelo.
Hadaba Aniga oo ah Mubaarik Yuusuf(Bidhi) waxaan Kula kulmay Magaalada Birmingham iyadoo aan Nasiib u helay Mujaahidiintii SNM ee Iyagu 31May 1988 soo galay Magaalada Hargeysa iyadoo ay jirto waqtiga oo fog iyo waqtiga halganka oo Mujaahidiintu ay Geerri u diyaargarobeen xaga teebka oo marmar qalad ku yimaado waad naga raali ahaanaysaa.

Hadaba Mujaahid Maxamed Adan Maxamed (Xayle) ayaan ka wareystay Maalintaa 31May 1988 wixii uu ka xasuusto Mujaahidku.
Wareysigisii oo aan soo Koobay waa Sidan. Iyadoo uu ku Bilaabay

Anigoo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee 31May 1988 soo Galay Hargeysa magacaygana la yidhaahdo Maxamed Adan Maxamed (Xayle) oo hadana aan deganahay Birmingham , waxaan doonayaa inaan xoogaa ka waramo wixii aan ka xasuusto 31may 1988.

Ciidankii Aaga Maka (Galbeedka) waxaa loogu tala galay Aaga Hargeysa waxay kala degenayen Juqda ,Durya, Waraabe jiro ,Cadaadley,Garabidhan, Kabaqoray ,Caracaray oo ah Aaga Baligubadle ah .
Jimce 27May 1988, Waxaa Saldhiga Juuqda ka ruqaansaday Hal Urur oo loogu talo galay inuu galo Aaga Agabar oo ahaa Xero- Weyn , si aanay u noqon Taakuleynta Faqashta , taana Ciidankii la qaabilsiiyey way ku guulaysteen sidii loogu talo galay ayuu u fuley qorshahaasi.

Axad 29 May 1988, waxaa saldhiga jiida hore ee Cadaadley ka ruqaansaday hal Urur oo loogu talo galay Jidad –Goynta Gurmadka Faqashta ka Imanaysa galbeedka Hargeysa, waa lagu guuleystay Qorshahaas isagana sidii uu ahaa ee loogu talo galayo.

Waxa uu ahaa barkulankayagu oo aanu ka dhaqaaqaynay Masaajidka saacadu markay ahayd ilaa 11 subaxnimo ayaa laysu yimi Dhamaan waxaanu halka ku dajinay ama dhignay Bustayaal Iyo Dawooyin Iyo Agab kaloo ciidan ah taas oo aanu ugu talo-galnay inay noqoto xaruntii dhaawaca halka waxaanu joognay ilaa Duhurki oo qadada ayaanu ku karsanay halkaa oo aanu ku Tukanay Salaadi Duhur iyo Casar oo israaca.
Waxaanu halkaa ka dhaqaaqnay Qiyaastii 2:00 duhurnimo
Xuduuda waxaanu galnay ilaa qiyaastii 3:00Galabnimo Kaymaha sayla……. Anagoo samaysanay wado cusub oo qardajeexa halkaas oo aad moodayso inay dadka reer Miyiga si ogaayeen inaanu Hargeysa galayno ,xuduuda markaanu galnay gawaadhida ayaanu ka degnay muda daqiiqado ayanu dhulka Joognay.
Ka bacdi gawaadhidii ayaanu fuulnay sidaa ayaanu ku soo dhaqaaqnay ,Xabaale markaanu marayno ayaa waxa xaga Hargeysa nagaga timi Diyaarad MIG19 ah oo kuwii dagaalka ah balse waxba nagumay ridin , Isgarsiintayada aanu sidaynay waxaa laga maqlayay tararka ciidamada faqashta oo lays waydinayo suaalo aad u badan oo ay ka mid ahaayen Tirada kolonyada gadiidkodu waa imisa qiyaastii ,jawaabta ay isa siinayeen waxay ahayd waa kolonyo aad u badan ,waxay kaloo iswydiinayeen yey ku hagaagsan yihin (Yey ku Beeganyihiin) waxay isku lahaayeen,, Gudaha ha galeene sii daaya ha horjoogsanina , cadceedu markay dhacday ayaanu waxa u baxnay dhulkii Masalaha halka waxaa noogu soo gasahay Salaadii Makhrib .
Salaadi makhrib ka dib ayaanu waxaanu maqalnay guux Karayaal oo ka soo socda dhinaca Gadhyogol waxaanu xaqiiqsanay inuu yahay ciidan anaga nagu daba jiray oo faqashtii ahaa, waxaanu u diyaarinay hal Urur oo Ciidana oo aan u reebnay Ciidanka intii kalena wadada ayaan cagta saarnay , Salaadii Maqrib anagoo Tukanayna ayaa Xabadii ugu horaysay bilaabantay waxay goobtaasi ahayd wadada Gadhyogol ka timada Iyo Wadada Xabala ka timada markay Masalaha isaga soo dhacaan , Dabeeto rasaas xooga ayaan isdhaafsanay waxanay iyagu aad u ridayeen rasasta Taangiyada . rasaastu markay socotay muda ilaa 15 daqiiqo ah ayey rasasti istaagtay, karayaashiina way bakhtiyeen.

Ka bacdi anagu waanu ka soo dhaqaaqnay halkaa, gadiidkayaga iyo lugtayaduba way is dhinac socdeen waxaanu u dhaqaaqnay Jihada Hargeysa anagoo sii marnay maqaamkii Shiikh Cumar halkaas oo ciidanku lug ku maraayay markaa.

labadii iyo rubuc (2:15) markay ahayd 31/5/88 ayaanu Hargeysa galnay waxaanu ka galnay Hargeysa Taliska Milatariga ku yaala Xaafada Isha Boorame , xabaduna halkaas ayey ka bilaabantay oo aanu cagta sii marinay Qaybtii Taliska Xerada Birjeex oo aanu Maxaabiis aad iyo aad badan ka sii daynay dadkaas oo ka mid ahaa Askarti Faqashta balse ku abtirsanaysay asal ahaan ama Iyagu u haysteen inay yihin SNM loona malaynayay inay xaga ka soo jeesanayaan markay Bilaabanto,waxanay noqdeen, markii aanu Ooda ka qaadnay, waxa ay noqdeen wax anaga nagu soo biiray iyo Qaar yidhi horta reeraha aanu qaxino marka hore oo dad jilicsan ay ku ordayeen oo reerahooda ka mid ahaa .
Dagaalku wuxuu ka dhacay Biirjeex iyo Taliska Qaybta.

Markii cagta la mariyey Taliskii Guud Iyo Xeraddii weynayd ee Birjeex ayaa Dooxa Weyn Hargeysa ka bilow ,Taliska Guud ee Ciidamada Booliiska , Wershada Leydhka , Hargeysa Club, Miiska Sarakiisha ,Mileteriga iyo Malka-Durduro
Hore ayaanu ugu soconay Magalada gudaheeda oo aanu galnay waxa aanu kula kulanay Dooxa Hargeysa Ciidamo ka yimi Gabiley Iyo Boorame oo Gurmada Siiba Dooxa Hargeysa Qaybta Shacabka halkaas oo dagaal xoogan oo Qadhaadh uu ka Dhacay oo aanu jebinay cadowgii halkaas oo cagta aanu mariney Ciidamaddii Faqashta .
Dabedeed hore ayaanu u soconay ilaa aanu gaadhnay Aaga Idaacada Radio Hargeysa Iyo Qaybta Waqooyi oo aanu gebi ahaanba markiiba aanu Gacanta ku qabanay halkaas oo dagaalkii Baahay oo aanu isu Qaybinay laba jiho iska soo horjeeda qola waliba dhinaceeda ka dagalamayso, waxaana aanu Gudagalnay Dhamaan Magaalada Hargeysa oo ay Gacanta ku dhigeen Ciidamada SNM weliba Dhinaca Waqooyi oo ay Magaalada u Badnayd.

Aniga Mubaarik Yuusuf (Bidhi) hawlgalki Mujaahidiinta May Waxaan idiin balanqaaday Sawiradii waxnaan soo raaciyey sawiradii Mujaahidiintaa Maalmaahaas Iyo Sawiradoodii.
Alle haw naxariisto intoodii shahiiday,oo ay ka mid ahayeen,Xuseen Kharashyare, Bidhidh , Muse Bidaar , Adan Salebaan iyo Xasan Cali Abokor, Axmed Maxamed Cariish (Furcandho), Ina xasan Weere(Dhegal,a) ,Dhabuuke , Mujaahidiintii hablaha Xaliimo Iyo Khadra iyo qar kalo badan aad garan kartaan Iyo odayaashii magalaada ku jiran ina fadul ,Ismaacil Geedi ,Dhagac dhagac ,Jamac Basale,Dhuduqe,Dhabuuke, Xerow, ina wayd,Faarax Laangadhe iyo qar kalo badan aad arki kartaan sawiirada inta badan Ee hadhay ma qadayaan halkan sawiiradan oo kaliya ayaan soo diray kuwa kale markale ayaan soo diri doona insha allaah Waxaan idiin balanqaaday Sawiradii waan soo raaciyey sawiradii Mujaahidiintaa Malmahaas Iyo Sawiradoodii.

Waxaanse mar kasta ka cudurdaaranaya inan la wada qorin Karin Taarikhdii Halgankii iyo mujaahidintiiba waxay u bahan tahay wakhtii aad iyo aad u badan hubin badan .isla egid badan in laga wada sheekeyo dhamaan layslana hubsado halganki Snm iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo kuwa noolba ilaa Hargeysa ilaa Gabilay Odweyne ilaa burco .Saaxiil ilaa bari ilaa galbeed iyo wadanka oo dhan meel kasta.
Waxaanse mar kasta ka cudurdaaranaya inan la wada qorin Karin Taarikhdii Halgankii iyo mujaahidintiiba waxay u bahan tahay wakhtii aad iyo aad u badan hubin badan .isla egid badan in laga wada sheekeyo dhamaan layslana hubsado halganki Snm iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo kuwa noolba ilaa Hargeysa ilaa Gabilay Odweyne ilaa burco .Saaxiil ilaa bari ilaa galbeed iyo wadanka oo dhan meel kasta.
-ILAAHAY AYAA MAHADAA ISKA LEH-
Waxaa Diyaariyey Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) Birmingham UK.
 

Top


  Hay’adda UNDP Iyo Wasaaradda Cadaaladda Oo Ciidanka Asluubta U Qabiyey Buug Leh Astaantimihii Jamhuuriyaddii Somalia Iyo Saxeexii Siyaad Barre  

Markaad Akhrido Buuggan Waxaa Maskaxdaada Ku Soo Dhacaysa Weli Ma Siyaad Barre Dalka Ka Taliya

Hargeysa, June 1, 2008 (Haatuf) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijka Horumarinta (UNDP) iyo masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda, ayaa shalay koox ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland u qabiyay Buug ah xeerka shuruucda iyo maamulka Xabsiyada oo ay dawladdii Keli-taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre u samaystay ciqaabta maxaabiistii xabsiyadii dalkii laysku odhan jiray Somalia sannadihii siddeetamaadkii, kaas oo uu ku saxeexan yahay dhiigyo-cabkii Maxamed Siyaad Barre.

Buuggan ayaa shalay waxa ciidanka Asluubta loogu qaybiyay xaflad shalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo kooxdan ciidanka Asluubta ah loogu xidhayay Siminaar muddo bil ah u socday, kuna baranayeen nuxurka shuruucda uu xambaarsan yahay buuggani, iyadoo ay siminaarkan soo qabanqaabisay hay’adda UNDP, isla markaana ay casharada ka bixinayeen saraakiil ay hay’addaasi ka soo qaadatay Kenya iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka Asluubta Somaliland.

Ciidanka Asluubta ee Siminaarka dhammaystay ayaa markii loo qaybiyay buuggan, waxay ka muujiyeen cadho xoog leh, waxaanay ku dhaqaaqeen inay diidaan iyagoo qaar ka mid ahi goobtii ku daadiyey, taasina waxay goobtii siminaarka loogu xidhayay ka dhalisay guux iyo buuq, kadibna wasiirka Cadaaladda Axmed Cali Casoowe iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Cabdi Guray oo goobta ku sugnaa ayaa ciidanka u sheegay inaanay waxba kala socon soo daabicidda buuggan, isla markaana ay hay’adda UNDP ee soo daabacday ay kala xaajoon doonaan, inkastoo ay ku cudur-daarteen in sharciyadii dawladihii hore ee Somalia ka talin jiray lagaga dhacdo dalka, kana uu kuwaas uun ka mid yahay, haddana ciidanku kuma ay qancin taas.

Buuggan buuqa ka dhex dhaliyay ciidanka Asluubta iyo masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda, ayaa jaldigiisa sare leeyahay midabka calankii Somalia ee buluugga ahaa, bogga hore ee jaldigana waxa ku xardhan Astaantii Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Somalia ee burburtay oo ka koobnayd calanka buluugga ah ee xidigta cad dhexda ku leh iyo laba shabeel oo dhinacyada kaga taagan.

Xeerkan ayaa nuxurkiisu yahay wax ka bedel lagu sameeyay Xeerkii Xabsiyadda ee Somalia loo sameeyay sannadkii 1971-kii, kaas oo loogu magac-daray Xeer Nidaamiyaha Shuruucda iyo Maamulka Xabsiyada “Xeer Lr. 7” waxa uu Siyaad Barre soo saaray 1984-kii gaar ahaan bishii August 9-keedii, xilligaas oo ku beegnayd wakhtiyadii uu taliskii Siyaad Barre xasuuqa ka waday goboladii Waqooyi [Soamliland], iyadoo sida la ogsoon yahay dabayaaqadii isla sannadkaas uu Taliskii Siyaad Barre boqolaal qof oo rayid ah ku laayay magaalooyinka Hargeysa, Sheekh, Burco iyo Gabiley, halka boqolaal kalena xabsiyada lagu guray, halkaasna jidh-dil iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha ay ugu geysteen hay’adihii cabudhinta dadweynaha ee ay hormoodka ka ahayd hay’adii Nabadsugidda (NSS).

Xeerkan ayaa marka qodobadiisa hoos loogu daadego, waxaa kaaga soo baxaya inuu yahay xeerarka dawladaha keli-talisyadu xukumaan ay kula dhaqmaan maxaabiista ku jirta Xabsiyada.

Sidoo kale, qodobo ka mid ah xeerkan ayaa waxay jidaynayaan in Maxaabiista xabsiyada ku jirta ay hay’adaha Nabad-sugiddu ogolaanayso cidda booqashada ugu tegaysa, taas oo hay’adda Nabadsugidda awood u siinaysa inay dadka la-hayeyaasha ah ee ay soo xidhaan siday doonayaan ay xabsiyadu ugu fududeeyaan.

Masalan qodobka 61aad, farqadiisa (t) waxay odhanaysaa: “La-hayeyaasha hayntooda aanay soo xalaaleyn hay’adii sharci ahaan awoodda u lahayd waxaa booqashadooda qoraal ahaan ugu ogolaanaya madaxda Nabadsugidda Soomaaliyeed.”

Waxaa qodobkaasi iftiiminayaa in dad aan Maxkamadi soo xidhin xabsiyada lagu hayo, kuwaas oo siday doonaan u maamulanayaan hay’adaha cabudhinta dadweynaha ee taliskii Siyaad Barre ku caanka ahaa.

Sidoo kale, waxa qodob ka mid ah xeerkani uu gebi ahaanba tirtiray xeer Lr. 453 oo ahaa xeerkii Xabsiyada goboladii waqooyi lagu maamuli jiray, kaas oo ah qodobka 96aad ee xeerkani ayaa wuxuu odhanayaa: “Tirtirid; Xeer Nidaamiyaha Xabsiyada Lambar 453 oo ka socday gobolada waqooyi waa la tirtiray.”

Sida ku cad qodobkan xeerka Lr. 7 waxay xukuumaddii Siyaad Barre u samaysatay goboladii waqooyi in lagu cadaadiyo oo uu gooni ku ahaa, iyadoo aanay ku caddayn in sidoo kale uu xeerkani tirtiray xeer nidaamiyihii lagu dhaqi jiray xabsiyada gobolada Koonfur ee Somalia.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda 17 jirsatay ay weli ka shaqeeyaan xeerarkii iyo shuruucdii uu taliskii Faashiista ahaa ku ciqaabi jiray maxaabiista jeelasha ku jirta, waxaanay taasi meel-ka-dhac iyo xad-gudub ku tahay xornimada Somaliland ee 1991 dib loola soo noqday, kadib markii dadkeedii xasuuq loogu geystay xeerarka ay maanta mar kale hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Xukuumadda Riyaale isku kaashadeen inay u soo daabacaan kuna dhaqangeliyaan, iyagoo xataa ka xishoon waayay inay ka saaraan astaamaha Jamhuuriyaddii Somalia ee burburtay iyo magaca taliyihii Milateriga ahaa ee Siyaad Barre oo hadda mootanaa in ku dhow 14 sannadood.

Isweydiintu waxay tahay waa maxay baahida loo qabo xeer kan oo kale ah oo xad-gudub loogu geysanayo xuquuqda maxaabiista iyo nidaamka dawliga ah ee ku dhisan dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda maxbuuska. Maxayse tahay sababta loo diyaarin waayay xeerar iyo shuruuc lagu maamulo xabsiyada iyo maxaabiista ku jirta ee Somaliland, iyadoo ay dalka joogaan boqolaal aqoonyahan oo tahli kara samaynta sharci la jaan-qaada nidaamka casriga ah.
Si kasta ha ahaatee, waxaa run ah marka aad akhrido qodobada ku jira xeerkan Lr. 7 ee shuruucda iyo maamulka xabsiyadii Siyaad Barre waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya inaanu weli dhiman Siyaad Barre ee uu weli dalka ka taliyo.

 


  Beesha Sallaxley Oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Lagu Qabanayo Toon 

Hargeysa, June 01, 2008 (Haatuf) – Beesha Ciidagale oo ka mid ah beelaha reer Somaliland ee degan gobolka Hargeysa ayaa la sheegayey in badhtamaha bishan June 2008 shir ugu qabsoomi doono tuuladda Toon oo ku taal koonfurta Hargeysa, kaas oo la filaayo inay iskugu iman doonaan madax dhaqameedyada iyo cuqaal ka soo jeeda beeshaasi.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa laga dareemayey hindisaha shirkaasi caasimada, waxaanay ilo xog-ogaal ahi noo sheegeen in shirweynahaasi uu qabanqaabadiisa leeyahay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid madaxdhaqameedyada beesha Salaxley oo ay tibaaxuhu sheegayeen in beer uu leeyahay oo ku taal tuulada Toon lagu qaban doono.

Hase yeeshee ilaa hadda si rasmiya looma oga jiritaanka shirweynaha lagaga hadli doono waxayse ilo xogogaal ahi sheegayaan in beesha Ciidagale shirweynahaasi ay kaga arrinsan doonto, arrimaha ay ka mid yihiin mawduuca gobol sidii loogu magacaabi lahaa degmada Sallaxley.

Waxa kale oo jira warar kale oo odhanaya, waxaa u jeedada shirkaasi Toon loogu gogal xaadhayaa shirweyne beelaha Somaliland ay iskugu iman doonaan taas ooo tibaaxuhu sheegayeen in boqor Raabi Yuusuf uu damacsan yahay, sidii beesha Ciidagale ay mawqif adag uga istaagi lahayd xukuumadda Riyaale.

Dhinaca kale waxaa iyana jira tibaaxo kale oo sheegaya in beesha Ciidagale shirkaasi kaga arinsan doonto dano ugaara beeshooda, hase yeeshee ilaa hadda si rasmiya looma oga jiritaanka shirweynahaasi iyo ajandaha lagaga hadli doono.
 


  Musharixiin Cusub Oo Ku Dhawaaqay Inay Tartanka Doorashooyinka Soo Socda U Taagan Yihiin Iyagoo Madaxbanaan

Hargeysa, June 01, 2008 (Haatuf) – Laba nin ayaa shalay sheegay inay doorashooyinka soo socda u tartami doonaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen madaxbaan, kaas oo ay sheegeen in ay ka quusteen muranka iyo yoo-yootanka ay saddexda xisbi isku hayaan, isla markaana uu dastuurku u fasaxaayo inay kaligood u tartamaan jagadda madaxweynaha.

Labadan C/raxmaan Maxamed Axmed X.Samatar, musharax ee sheegay inay u tartamayaan madaxweynaha ayaa shalay shirjara’id ku qabtay Hoteelka Xaraf Hotel ee magaaladda Hargeysa.

Labo nin oo kala ah C/raxmaan Maxamed Axmed X.Samatar oo ka soo jeeda G/Hargeysa iyo Kayse Cali Garaad Maxamuud Cali Shire oo isna ka soo jeeda Sanaag ayaa cadeeyey inay Murashixiin madaxbanaan kaga qayb gali doonaan doorashooyinka Madaxtooyada ee fooda inagu soo haya.

Labadan Nin ee sheegay inay u soo banbexeen inay u tartamaan jagada madaxweynenimada ayaa sheegay in haddii uu khilaaf yimaado oo hungurigooda kursiga madaxweynaha ay ku kalsoon yihiin waxa uu sharcigu ka qabo musharaxa madaxa banaan.

Labadan Nin waxa ay sheegeen in C/raxmaan Maxamed Axmed uu isku soo taagi doono Jagada Madaxwayne-nimada isaga oo ah Musharax Madaxbanaan halka Kayse Cali Garaad Maxamuud uu isna isku soo taagi doono jagada Madaxwayne ku xigeenka,sidaana waxa ay ku sheegeen qoraal ay shirkaasi Jaraa’id ka akhriyeen oo u qornaa sidan :-

“Waxaanu shacbiga reer Somaliland iyo Saxaafadaba u sheegaynaa:
1. Markaan eegnay marxalada siyaasadeed ee dalku marayo oo aanu muddo dheerna dhagaysanaynay muranka Siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa saddexda Xisbi qaran ee Udub, Kulmiye iyo Ucid.
2. Markaan Aragnay in is-haysigoodu halis ku yahay ummada mustaqbalkeeda.
3. Markaanu aragnay Cabsida ay ka qabaan dadwaynuhu Mustaqbalka markay doorashadu dhacdo siday ugu heshiin doonaan natiijada ka soo baxda tirada Codadka, Raga maanta ku heshiin la’a kordhinta Dastuuriga ah ee Guurtidu kordhisay.
4. Markay noo cadaatay baahida wayn ee dalka iyo dadkuba u qabaan helitaanka Musharax madax banaan oo aan ka socon saddexdan Xisbi ee ku yooyootamaya Nasiibka Ummada iyo aayaha dalka.
5. Markaanu si qoto dheer u darisnay Dastuurka dalkeena iyo Sharciyada aynu u codaynay.
6. Markaanu aragnay qodobka Dastuurka ee Tirsigiisu yahay 22aad ee Xuquuqda Muwaadinka iyo faqradiisa 1aad iyo 2aad oo xaq u siinaya in muwaadin kastaa ka qayb gali karo Tartanka doorashada qof ahaantiisa.
7. Markaanu akhrinay qodobka 82aad ee Dastuurka oo si cad u qeexaya shuruudaha looga baahan yahay Murashaxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka.
8. Markaanu isku qancinay in aanu dhamaan shuruudaha buuxinayno.
9. Markaanu ku qanacnay in loo baahan yahay helitaanka Isbadel siyaasadeed, in Dimuqraadiyadi ka hano qaado dalka iyo in doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka dhacdo.
10. Sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inaanu isku soo taagno Tartanka Doorashada Madaxwaynaha ee soo socota, Anagoo kaga qayb galayna Murashixiin madax banaan oo aan ka socon Xisbi, Urur iyo Koox toona, sidaasi awgeed waxaanu maanta oo Bishu tahay 31/05/2008 waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu u taagan nahay murashixiin madax banaan oo Jagada Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen u taagan, una mari doono waaxda Sharciga iyo Dastuurkaba.
Waxaanu muwaadinkasta oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa ugu baaqaynaa inuu ka soo qayb galo tartanka doorashada Madaxwayne-nimo ee soo socota si ay dalka iyo dadku u helaan hogaan caafimaad qaba oo danaynaya Horumarkooda.
Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka reer Somaliland inay cidii danaynaysaa ay dalkooda u soo gurmato oo ay ka soo qayb galaan tartanka Madaxtinimada si loo helo hogaan daacad u ah Umadda, loogama xoreeyo kooxahan isku haysta Kursiga 1991 ilaa Maantana Ishaysigoodu dalka Curyaaminayay.
Ugu dambayntii waxaanu shacbiga Somaliland u balanqaadaynaa inaanu barnaamijkayaga siyaasadeed ugu soo gudbin doono Warbaahinta Madaxa banaan inta ka horeysa Fasaxida Ololaha tartanka Doorashada, ilaalinta Sharciga awgeed waxaan u balan qaadaynaa shacbiga iyo Dowladaba in aanaan u mari doonin Murashax-nimadayada dariiq sharci darro ah oo aanaan ku kici doonin wax qas iyo Rabshado u keeni kara dalka iyo dadkayaga.”
Intaasi ka dib Suxufiyiintii shirkaasi jaraa’id ka qayb gashay waxay waydiiyeen labadaasi nin Su’aalo u dhacay sedan:-

S: Waxaan ogaydeen in ururkii Qaran inay xadhig la martay ururkii siyaasadeed ee ay sheeganayeen, Markaasi idinka sideebay idiinku suurto galaysaa in aad tartantaan?
J:Horta Ururka iyo Shaqsigu way kala duwan yihiin Annagu waxaan doonaynaa xuquuqdii shaqsi ee ka qayb galka Tartanka doorashada , Annagu ma aamin sanin in Ururka Qaran uu sharci ka horjoogsaday .
Waxaanan adaygsanaynaa oon ka doodaynaa nidaamka aynu qaadanay, haddii wax laga bedelayana Sharcigii halagu noqdo.

S: C/raxmaan hore waxaad ugu jirtay Xisbiga Udub, inaad ka baxdayna maad sheegin markaa Maxaad Murashaxnimadda Xisbigaaga dhexdiisa uga soo bilaali wayday?
J: Xisbigu Mabaadii ayuu leeyahay Markaa mabda’a uu ku dhaqmayaa haddii uu ku qancin waayo waad iskaga baxaysaa.
Marxaladii aan markii hore Xisbigaasi ugu jiray waa kala Labo markaasi Aniga iyo qayrkayba waxaan leeyahay Xisbiga uu doono haku jiree waa loo baahan yahay Murashixiin madax banaan.

S: Qodobadan aad adeegsanaysaa waa qodoba dastuuri ah horana siyaasiyiin hore ayaa adeegsaday markaa qodabadan aad adeegsanaysaa miyaan la odhankarin kuwaa buuqa dhaliyey ayey ka mid yihiin?
J: Waxa jira maxkamad dastuuri ah, qodobka laysku qabsado waxaa weeyi in laysla tago maxkamada dastooriga ah, waxaa la moodaa in maxkamadii laga baqaayo, markaa anagu ma aaminsanin maxkamadda dastuuriga ah cid baa leh, haddii uu khilaafyimaado maxkamadda dastuuriga ayaanu u gudbinaynaa, waxaanu ku qancaynaa go’aankay soo saarto maxkamadda dastuuriga ahi, anbilna hadaanu qaadanayno oo aanu Heeg u qaadanayno oo aanu keenayno looyaro cusub xaq baanu u leenahay, inta badan khilaafku waa suuqa iyo mafrashyadda, walise maxkamadda dhexdeeda kamay dhicin laba dastuurka isku qabsaday.

S: Maadaama oo aad ayidsan tihiin muddo kordhintii Guurtida oo shacbiga iyo xisbiyada mucaaridkuba diideen, ma laga yaabaa in Xisbiga udub aad dabada ku haysaan oo aad ku tiirsan tihiin?
J: Anagu Dastuurka ayaanu raacsanahay, haddaan diido muddo kordhinta Guurtidda waxaan jabiyey qodob dastuuriya, dadku waxay isweydiinayaan dastuuriyan ma ku waafaqsan tahay mise…ayey dadku ku qaybsan yihiin, waanu ku faawaqsanahay sababtoo ah fowdo ma imanayo dalku oo gaab u dhexeeyo, waxaanu xaq siinayaa si kasta ha ku timaado nabadgelyo ha ku timaado ama nabadgelyo daro’e waayo waxbaa yimid waxaa yimid waxaa weeyi muddadii ayaa timid iyadoo ay doorasho dhicin, sidaa darteed xaq bay u yeesheen inay fadhiyaan.

S: Ma ku raacsantahay qodobkii ay cuskadeen guurtidu ee ahaa dalka nabadgelyo daraa ka jira?
J: Nabadgelyo daradu maaha in uu dagaal dhaco uun, nabad-gelyo daradu waxaa weeyaan waxkasta oo kaa horyimaada, duruuf ayaa timid, nabadgelyo daro may dhicin, laakiinse wakhtiginii wuu dhacay markaa yeynu u dhiibaynaa.

S: Waxaa jira qodob dastuuri ah oo sheegaya marka uu madaxweynuhu iyo ku xigeenku ay baneeyaan ama muddadu ka dhamaato, wakhtigaa kala guurka waxaa xilka sii qabanaya Guddoomiyaha golaha Guurtida, markaa qodobkaasi miyaanu jirin?
J: Markaasi waa marka xilka laga qaado ama caafimaad ahaan xilka hayn kari waayaan, ama iska casilaan labadooduba ayaa qodobkaasi imanayaa, maaha marka uu wakhtigu ka dhamaado, marka uu muddadii ka dhamaato waxaa uu dastuurku leeyahay guurtida ayaa awood u leh inay u kordhiso.

S: laakiin golaha guurtidu waxaa uu cuskaday inay dalka nabadgelyo daro ka jirto wadanka, marka la eegana mandaqadan geeska ee aynu ku noolnahay waa meesha ugu degan, markaa taas maxaad ka leedahay?
J: Anagu waxaanu nahay dadka aaminsanahay kan (Dastuurka) waa waxaynu qoronay, wixii laga bedelayo bariba halaga bedelo, waxaanan ku qanci karaa dastuurka oo I hor joogsadda, anagu waxaanu ka soo horjeednaa wax alaale wixii ka soo horjeeda dastuurka hadduu Udub yahay, hadduu Kulmiye yahay, iyo Hadduu Ucid yahayba, waxaynu heshiis ku nahay waa kan, wax kale heshiis kuma nihin.

S: 80% waxay dadku ka soo horjeedaan muddo kordhintaas, markaa maadaama oo aad taageerteen miyeydaan cod ku waayeen?
J : Anagu waxaan qabaa 90% way taageersan yihiin, laakiin anigu dastuuriyan wixii aan ku raacay kolay in iga soo horjeeda waa la heliyaa oo mucaarid iyo muxaafidba waa la heliyaa, laakiin qanac ayaa jira oo ah aynu nabadgelyada ilaashano, saddexdan xisbina isma dhaamaan mar hadday muranba keeneen oo dadkan dhiigoodii ku dhex ciyaarayaan, markaa anagu waanu aaminsanahay sharciyan inay tahay.

 


 ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wasiirka Daakhiligu Tog-Wajaale Jeebkiisuu Ka Fuudh Yeelay Bulshadiina Wuu Kala Qaybiyay  

Tan iyo intii ka dambaysay magacaabista gobolka Gabiley iyo degmada Tog-Wajaale, oo iyadu ah magaalo ganacsi oo ay xilligan ku nool yihiin mujtamac aad u badan oo Somaliland oo dhan ka koobanayaa waxa durba soo baxaya fara-gelintii caadada u ahaan jirtay wasiirka Arrimaha Gudaha eek u beegnayd hadba degmadii dhaqaale ka jiro in uu ka abuuro ciriq siyaasiya oo fool-xun isla markaana lagu kala qaybinayo bulshada deegaankaasi si uu fursad uga helo buuqa iyo fawdada ka dhex abuurmaysa.

Hadaba waxa aan marnaba qarsoomayn fara gelinta xilligan uu ku soo ekaysiiyay wasiirka arrimaha gudahu degmada Tog-Wajaale taas oo saamaynteeda maalmahan dambe aad looga dareemayo guuxeeda iyo xanshashaqa aan joogsiga lahayn ee ka bilaabmay Tog-Wajaale oo ay sabab u tahay ka dib markii uu wasiirku beel gaar ah oo ka mid ah beelaha dega Tog-Wajaale uu farta ugu fiiqay inay iyagu gaar u leeyihiinWajaale isla markaana xukuumadu uga baahan tahay inay difaacdaan oo ay ilaashadaan dakhliga cashuuraha ee halkan ka soo baxaya isaguna uu u hiilin doono isna barbar taagay, waxa kale oo ay arrintani Tog-Wajaale ku soo kordhisay shir beeleedyo hor leh iyo in beel waliba gaar isku tirsato oo ay sheegato Tog-Wajaale.

Tusaale ahaana wali ma jiro sharci dhamaystiran oo uu wasiirku ugu ogalaanayo maamulka Tog-Wajaale inay isticmaalaan daakhiliga uu gaarka uga dhigay ee baanka looga furay Accuont-ka, waxayna u muuqataa fursad musuqmaasuq oo uu ku faa’iidaysanayo wasiirka daakhiligu.
Maxamed X. Xasan Caanteynle

Top