Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Oo Qallinka Ku Duugay
Heshiiskii Lagu Soo Af-Jaray Khilaafkii U Dhexeeyay Xukuumadda Iyo
Mucaaridka
Wakiilada Oo Maanta Bilaa Dood Ku
Ansixinaya Lifaaqa Xeerka Diiwaangelinta
Guusha Obama Oo Taariikh Cusub U
Jeexday Dalka Maraykanka?
Axmed Ugaas
Aayaha Dhalinta
Xubin Miisaan Culus Ku Leh KULMIYE Oo
Hargeysa Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay
Dawladda Mbagathi Iyo Isbahaysiga
Dib-U-Xoraynta Oo Markii Ugu Horaysay Heshiis Kala Saxeexday
|
|
Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Oo
Qallinka Ku Duugay Heshiiskii Lagu Soo Af-Jaray Khilaafkii U
Dhexeeyay Xukuumadda Iyo Mucaaridka |
“Mar haddii lagu sharfay oo la yidhi doorashada ha ina gaadhsiiso Waa
Inaad Kala Saartaan Xukuumadda Iyo Xisbiga UDUB” Muuse Biixi
“Waxaan U Sheegayaa hay’adihii gargaarka na siin jiray, Bil keliya oo
aanu muranay ayaad lacagtii naga joojiseen” Faysal Cali Waraabe
“Si aanu u soo noqon hirdan dambe, Waa sharcigii guurtida meel layska
dhigaa, dabadeedna doorashooyinka D/hoose, guurtida iyo wakiilada mar
kaliya la qabto” Madaxweyne ku-xigeenka
Hargeysa June 10, 2008 (Haatuf) – Heshiiskii ay dhowaan saddexda xisbi
Qaran wada gaadheen ayaa shalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka
Maansoor si wada jir ah ay qallinka ugu duugeen madaxda Xisbiyada
Qaranku.
Xafladan shalay ee lagu saxeexay heshiiskan lagu soo afjarayey
khilaafkii siyaasadeed ee soo foodsaarey dalka , ka dib markii ay
dhamaatey muddadii Xukuumada Rayaale isla markaana ay qabsoomi waayeen
Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyadu, taasina ay
keentay inay Golaha Guurtidu u kordhiyaan muddo hal Sano ah Riyaale iyo
ku xigeenkiisa taas oo ay diideen Xisbiyada Mucaaridku inay ogolaadaan
muddo kordhinta Guurtida.
Heshiiskan ay wada gaadheen Xisbiyada Qaranku horaantii bishan juun oo
ka koobnaa 8 qodob ayaa shalay waxay madaxda Xisbiyadu si rasmiya ay
qallinka ugu duugeen iyada oo ay Saddexda Xisbi u kala saxeexeen Xisbiga
UDUB Madaxwene Kuxigeenka Axmed Yusuf Yaasiin, Xusbiga KULMIYE
Guddoomiye kuxigeenka Muuse Biixi Cabdi halka Xisbiga UCID u saxeexay
Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha Komishanka
Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil (Kabo weyne).
Xafladan heshiiska lagu saxeexay oo ay soo qaban qaabiyeen Komishanka
Doorashooyinka Qaranku ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda Xisbiyada
Qaranka Komishanka Doorashooyinka,wakiilada Dawladaha Deeqda bixiya,
Wakiilka Dalka Itoobiya u jooga Somaliland, Xildhibaano,Culimaa,uddiin,
aqoon yahano, Weriyayaal ajnabi ah iyo madax kale oo halkaas lagu
casuumay. Xafladan waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka
Qaranka Maxamed Ismaciil (Kabo weyne) oo isagu halkaa ka akhriyey 8
qodob ee lagu heshiiyay ee shalay saddexda xisbi qaran saxeexeen ,
waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ qodobada lagu heshiiyey ee maanta (shalay)
saddexda xisbi iyo komishanku saxeexayaan waxay kala yihiin:
1. in dib loo dhigo doorashadda golaha Deegaanadda oo la soo hormariyo
doorashadda madaxtooyadda.
2. in Diiwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu
dhigay Doorashadda golaha Deegaanka.
3. in komishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga doorashada madaxtooyadda,
Diiwaangelinta ka dib.
4. in Doorashadda madaxtooyaddu ay ka soo hormarto 06/04/2009.
5. in qodobada xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin
Doorashadda madaxtooyadda la laalo.
6. Haddii ay yimadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara
qabsoomiddda doorashadda madaxtooyada, waxaa xaaladaas wada jir uga
go’aan qaadanaya komishanka iyo saddexda xisbi qaran, iyada oo golaha
Guurtiduna u ansixinayo wakhtiga ay isla garteen oo aan waxba lagu darin.
7. in xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay yeesheen, isku xidhnaan
iyo wada tashi joogta ah.
8. in guddida farsamo ee saddexda xisbi Qaran ay noqoto guddi joogto ah,
una xilsaaran kalsooni dhiska xukuumadda iyo xisbiyada wada shaqeyntooda.”
Intaa ka dibna waxaa makarofoonka lagu soo dhoweeyey Guddoomiye ku
xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Waxaa uu heshiiska
saddexa xisbi iyo komishanku saxeexeen ka yidhi “ xisbigayagu isaga oo
gartiisa soo akhristay, isaga oo qiimeeyey duruufaha uu dalku ku jiro,
isaga oo qiimeeyey si kastaba ha ku timaadee wakhtigii doorashada la
qaban lahaa inya dhaaftay, isaga oo ka duulay maxaa maanta inoo dan ah
ee aynu qabsanaa, isaga oo eegay sida ugu dhow ee mustaqbalka dalkani
nabad u ahaan karaan, Dimuqraadiyada sidaynu u korin karaan, isaga oo
xisbigu qiimeeyey daruufaha geeska afrika ee aynu ku nool nahay iyo
dabka agteena ka baxaaya, isla markaana isha ku haya taa iyo
dhibaatooyinka dusha ka jira in aan lagu dulmiyin dadka
dimuqraadiyadiisa iyo xuquuqda uu leeyahay, xisbiga kulmiye waxaa uu la
yimid fagaaraha aragti cad, oo uu ka doonayey inuu heshiiskani soo baxo
oo nabada dalka ka jirtaa inay sii siyaado mooyee inayna hoos u dhicin,
in la helo doorasho xor ah oo xalaal ah, waxaa illaahay mahadiiya in
dhinacyadii aanu isku nimid iyana xil badan isa saareen, waxaa hubaala
ninku marka uu yimaado goob lagu wada hadlaayo in uu la imanaayo inuu
wax ka tago, isna looga tago, oo meel dhexe layskugu yimaado, sidii aanu
arkaynay ayey u dhacday, waxaanu u aragnaa heshiisnkan mid dhinac waliba
ku guulaystay oo aanu dhinacna guul kaligii la tagin, Somalilandna ku
guulaysatay oo aynu danteena ku qabsanay, waxaa uu Kulmiye diyaar u
yahay in sida lagu heshiiyey inuu xaraf walba u dhawro oo heshiiskan ka
mid ah, oo uu sidaa uu heshiiska u galay uu dibna u ilaaliyo, cidii ku
xadgudubtana aanu u habran ee uu ka qabto gardarada’.
Muuse Biixi oo la hadlayey xukuumadana waxaa uu yidhi “ waxaan leeyahay
xukuumada xilkan inoo bilaabmay maanta iyo shantii sanno way kala duwan
yihiin, shantii sanno ee hore ee laydiin dhaariyey way iska dhamaatay,
maanta waxay xisbiyadda iyo dadkuba idinka codsadeen in aad dadka
doorashada gaadhsiisaan muddadaas aynu qabsanay, sidaa darteed waxaa la
idinka fadhiyaa in hab-dhaqankeedii wax badan ka bedesho, waxaan u
aragnaa inay xukuumadu u dhaqanto hab is-difaac ah, oo ah isgiiji oo
yaan lagu dhaafin, waxaanu xukuumada u aragnaa inay iskaga khaldantay
wixii qaranka ka dhexeeyey ee dawladnimada ahaa iyo xisbinimadii UDUB
ahaa inay shantii sannadood iskaga milantay oo aanu kala garan waynay
UDUB iyo xukuumaddii dadka ka dhexeeyey, waa loo wada siman yahay,
laakiin waxaanu u aragnaa inay iskaga milantay xisbigii UDUB iyo
Xukuumada, waxaanu leenahay mar haddii lagu sharfay oo ay ummaddii tidhi
doorashada ha ina gaadhsiiso (Xukuumada Riyaale), waxaa wanaagsan in
xisbiga iyo xukuumada kala saartaan, ololaha soo socdaa waxaa uu xaq
noqonayaa marka hawlaha qaranka ee dawladda ay u sinmaan xisbiyada
tartamayaa iyo muwaadiniinta kale ee xisbiyada aan ku jirin ayaa looga
fadhiyaa xukuumadda.
Malaha way noqonaysaa in aan dhinac uun wax loo sheegin ee dhinacyada
kale ee mucaaridkana wax loo sheego, haddii aanu nahay KULMIYE in wixii
dhaliil ah ee aanu aragno marna aanan uga jeedin ku xumee, ama wax aanu
qabin oo ribo ah saar, taa kuma jirnee ee ka bogsada, waxaa kale oo taa
garabtaala in aanan marnaba wax khalad ah oo diinta ama dadnimada, ama
distoorka, ama sharuucda aad ku gafteen in aanan idinkaga habranayn oo
aanaan idinkaga xishoonayn oo aanaan waliba odhanayn waa idinkii
heshiiyee maanta u siidaaya, taa ha nooga fadhiyina.
Waxaa uu Muuse Biixi ku soo gunaanaday hadalkiisii inay gaajo xoog lihi
soo socoto, isla markaana loo baahan yahay in uu dadweynuhu fadhiga ka
kaco oo uu wax soo saar la yimaado, haddii aan lala iman ay dhici doonto
cunto yaraan, isla markaana waxaa uu ku canaantay xukuumada iyo wax
garadkaba inay dadka u jihayso wax soo saar iyo in dhulka midho lagala
soo baxo.
Eng: Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee
UCID ayaa heshiiskaas isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “arinta aynu
maanta u fadhino anaga afar jeer ayaan usoo taagnaa ila 2002-dii, sannad
walba waxaa inagu dhacayey dib u dhac ku imanayey wakhtigii doorashadda,
sannad kasta waxaynu ku murmaynay qodob la yidhaah 83, waxaynu garan
kari weynay qodobkan aynu 7-da sanno isku haysano wax inoo kaba oo inoo
kala cadaynaya aynu samaysano, halkaa waxaa inooga muuqata inaynaan
khalad keena ka faa’iidaysanin, waxaa halkaa inooga muuqda in distoorkii
uu inooga dhintay alla ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal in
aynaan waxba ku kordhin, halkaa waxaa inooga muuqata sharciga waxaa
samaysa 75% dawladda markaa gacanta ku haysa, si ay u sameyso xeerkii
iyo sharcigii ay dadka ku xukumi lahayd, Baarlamaankuna wuxuu xaq u
leeyahay inuu ka eegaa waxaa ay dawladdu ummadda usoo qortay yahay wax
ummadda u qalma, 25% kale ee soo hadha waxaa soo gudbiya asxaabta ama
mudanayaasha mucaaridka ah , iyo ururada bulshada, halkan waxaa ka
muuqata in aynu inteenaba hawshaa aynu inagu gabnay, xaalkeenu uu markaa
noqonayo muran, dastuurkeena aan bislayn aynu ku dul kufnaa sannad walba,
waxaan idiin sheegayaa arimaha aynu maanta u fadhinaa ee wakhtiga badan
inaga lumiyey, waxa lagu dhamayn lahaa wakhti yar, waxaad ka soo qaadaa
qodobadan aynu maanta u fadhino, waxaa aanu isla garanay bisha 1-deedii,
badankeedana waxaanu isla garanay bishii hore 15 keedii, bil dhan ayey
inagu qaadatay intay inagu gurguuranaysay waxaasina waa xilkasnimo daro,
xog ogaal daro iyo inagoo wakhtigu agteena micno weyn ka lahayn, taasi
waxay keentay inaynu markasta wakhtiga aynu qabsanay aynu dib u cuno
sida dabku u cuno kaynta ayaynu wakhtiga u cunaa. Waxa weeyi murankan
maanta dhacay waxa uu keenay kalsooni daro wayn oo beesha caalamka-inaga
qabto oo aynaan lahaan jirin ayay maanta inoo keentay waxaan dawladda ka
codsanayaa kalsooni daradu xagooga ayay ka timid, inay ku dhaqaaqaan
sidii ay kalsoonidii beesha caalamka ku soo ceshan lahaayeen.
Waxaa kale oo aan u sheegayaa hay’adihii gargaarka na siin jiray, sidaad
koonfur ugu dulqaadan jirteen anaga nalooguma dul qaadan, Bil kaliya oo
aanu muranay ayaad mar kaliyaata lacagtii naga joojiseen, taa waxaan u
arkaa Eex, waxaad ogaataan maanta heshiiskani xagooda kama dhama waxay
ahayd in aanu bishan 6deedii baxno dibaa loo dhigay haddana waxay ahayd
in aanu baxno bisha 13-keedii haddana dib baa loo dhigay oo aanu
deeqbixiyayaasha la kulano. haddana shuruudu waxa weeyi guurtida iyo
Baarlamaanka oo saxeexa, Madaxweynaha oo saxeexa mooyee cid baxaysa iyo
lacag la soo qaadayaa aaney jirin, markaa waxaanu leenahay Baarlamaanku
ha gudbiyo Guurtidu ha gudbiso Madaxweynuhu ha dhakhsado, haddii kale
waxaad ogaataa bisha lixdeeda yaaney ka dambayne iney ka fogaan doonto
wakhtiga doorashooyinku, haddii ay dib u dhacdana guurtida halkan
fadhidaa ayaa cirka u laali doonta.
waxaa halkan ku jira guddida farsamada ee saddexda xisbiba ku taal,
guddidaasi waa mid aanu doonayno inay ilaaliso iyadoo mid kale jirto,
mid saddexda xisbiba ayaanu doonaynaa inaanu samayno oo ah inay ilaaliso
warbaahinta in si fiican loo wada qaato warbaahinta ummadda, in ayna
hay’adaha dawladdu ku tacadiyin ummadda xoolaheeda oo ayna asxaabta ku
isticmaalin, waxa aanu doonaynaa inay noqoto mid ka shaqaysa isu soo
dhaweynta dawladda iyo asxaabta, wixii aynu warbaahinta ka odhan lahayn
ee ay iyaguna sii mal-maluuqi lahaayeen in aanu si toos ah uga hadalno,
waxaanu jecelnahay in qodobadaa lagu heshiiyey in si wanaagsan loo
sameeyo.
Heshiisku wuxuu ahaa mid dhamaystiran, press release muu ahayn ee waxa
uu ahaa heshiis lagu heshiiyey, oo ay saxeexa oo qudhi u hadhsana yahay,
anigu ma garanayo in dad kale wax loo sheegayey ee taanu Somaliland u
sheegaynay taas ayuu ahaa ciddii kale ee cid kale wax u sheegaysay
iyaday jirtaa.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu intaa ku daray in xukuumaddu u baryo tagto
caalamka sida Banka Adduunka si ay cunto ugu caawiyaan dadka reer
Somaliland, waxa kale oo uu Culimada ugu baaqay in kuwa sucuudiga
xidhiidhka la lihi inay iyana ay u hawlgalaan sidii ay mucaawimooyin uga
soo qaadi lahaayeen dadkeena, sidoo kale waxaa uu dawlada ka codsaday in
ay qiimo dhimis ku samayso naaftada Total maadaama oo aynu nahay meesha
geeska Afrika ugu shidaal qaalisan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna ka warmay heshiiskan iyo qiimaha uu
ummadan Somaliland u leeyahay, waxaanu sheegay inay suurtagal noqon
doonto in doorashada golaha Deegaanka iyo ta Wakiiladda la wadda qabto
xilli qudha.
Waxaa uu sheegay in marka la qabto doorashada madaxweynaha ay waajib
tahay in la guddo galo oo meel la isla dhigo sharcigii lagu dooranayey
Guurtida.
Waxaa uu saadaaliyey in inta hawshaasi la qabanayo ay ku soo beegmi
doonto doorashadii wakiilada oo sannad kaliya ahi ka hadhsan yahay
sidaas darteed waxaa uu soo jeediyey in doorashadii labada aqal iyo
dawladaha Hoose mar lawada qabto.
Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu hadalkiisa ku
bilaabay “Waa maalin sharaf u ah ummadeena , waa maalin ka turjumaysa
soo jireen taariikheed oo ay somaliland lahayd, markii aynaan lahayn
dawladaha halkan waxaa ku noolaa ummado intaaba waxaa lagu waday iyadoo
lays dilaayo, lays xasuuqayey dhiig baa daadanayey geed hoostii ayaa
lagu xalin jiray, hadaynu Somaliland nahay dhaqankayaga ayaa ahaa wada
hadal, tanaasul, anaga oo ahayn dawlad ayaanu ku soo noolayn xeerar ay
dhigteen qabaa’ilku, oo ay ku dhaqmaan xeerarka iyo diinta uu Illaahay
siiyey oo aanu halkaa aynu maanta joogno ku soo gaadhnay, oo aanu ku
noqonay jamhuriyada Somaliland waa mid Illaahay loogu mahad naqo, haddii
aan ka waramo heshiiskan, waa heshiis wanaagsan anigu waxaan u arkaa in
uu dib u dhacaasi uu khayr lahaa sababahan soo socda awgeed, wadankani
shuruucdiisa waxaa la bilaabay 2001 May 31 markii dastuurka la ansixiyey,
waa muddo gaaban ma nihin waddan soo jiray muddo dheer, xeerna ma
hagaago ilaa lagu dhaqmo ,markaasuu soo baxaa khaladaadkiisu, 2002 waxaa
la galay tii dawladaha hoose, 2003 waxa la galay tii madaxtooyada, 2005
waxaa la galay tii wakiilada, tii Guurtida ayaa wali laalan isagana waa
laga gudbi doonaa, shantaa sannadood ee hore waxaa lagu jiray waa
doorashooyinkii, tan aan leeyahay wuxuu ahaa khayr ayaan sababaynaa,
haddii la galo 2009 billaha ugu horeeya waxaa dib u dhacaya dawladaha
hoose, kii wakiiladana waxaa ka hadhay sannad, waxaa halkaa ka bixi
doona oo aan kula talinayaa komishanka, marka laga baxo ta madaxtooyada
waa in marka hore la galaa sharcigii guurtida, qaranku waa in uu galaa
ta guurtida si aanu mar dambe u soo noqon hirdan dambe, oo sharcigii
guurtida meel layska dhigaa, dabadeedna doorashooyinka dawladaha hoose
iyo ta guurtida iyo ta wakiilada la qabto mar kaliya, si uu wadanku
shanta sannadood uu u galo laba doorasho, wax badan ayaa inagaga
halaabay doorashooyin soconaya shan sannadood, waa isdifaac iyo weerar,
maamulkii shanta sannadood yimaada, dee haddii uu ku jiro doorasho waa
nin weeraraya iyo nin is difaacaya, markaa waxaan filayaa kharashkuna
wuu inagaga yaraanayaa ee saddexdaa doorasho ee dawladaha hoose,
guurtida iyo wakiilada mar kaliya hala qabto, Madaxtooyadana mar kaliya
la qabto, si uu maamulkaa markaa yimaadaa uu u helo fursad uu u shaqeeyo,
ee aanu ku jirin maantana waa tii Dawladaha hoose ee xamaan ururso,
maanta waa tii wakiilada ee xamaan ururso aanu ku jirin.
Waxaan doonayaa in aan maanta xisbiyada mucaaridka layidhaahdo in aan
magaca ka bedelo oo aan u bixiyo Naasixiyiin, magaca mucaarid waa qof ka
jeestay oo wax diiday, qofkii ugu horeeyey ee wax diiday wuxuu aha
Ibleys, ibleys waxaa uu yidhi sideebaan ugu sujuudaa qof aad ka abuurtay
dhoobo, aniga oo aad naar iga abuurtayna aan ugu sujuudaa qof aad dhooba
ka abuurtay, markaa waxaan u bixinayaa mucaaridka naasixiyiin.
Haddaan u soo jeesto waayaha, waayuhu way badan yihiin oo shalayba waxaa
Madaxweynaha hor fadhiyey wakaaladihii biyaha iyo kuwii laydhka, waxaan
filayaa Mitir kuyubica Hargeysa waa 700 oo Shillin, foostadii shidaalku
waa $210 haddii aanu shaqayno waxaanu u shaqaynaa waa shidaalka ee xal
ha la keeno, haddii la kordhiyo waa mushkilad oo dad aan waxba haysan
haddii wax lagu kordhiyo, jawaankii bariiska ah ee aanu u qaybinaynay
Ciidanka 10,000 ee halkaa fadhiya ee aanu u qaybin jirnay Ciidanka ee
$20 lagu iibin jiray, maanta waa $50, arinku ma sahlana, dawladda culays
badan ayaa saaran oo aan qiyaas lahayn.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa heshiiskaa aanu gaadhnay waa mid Qaran,
haddii aanu gali lahayn dawladaha hoose oo ay Diiwaangelintu jiitami
lahayd oo ay gali lahayd ta dawladaha hoose haddana waxaa iman lahaa
hadal dambe ayaa iman lahaa, taa waanu qadarinay oo ay ku adkaayeen
xisbiyadu, haddii ay dawladaha hoose ay dib u dhacaan April ayey ku
dhici doontaa 2009, mise October ayey ku dhici doontaa 2009, haddana
wadanku waxa uu gali doonaa muran kale, markaa xalkaa waa laysla gaadhay,
xal fiicana wuu ahaa, waxaanan u arkaa xal ay gaadheen xisbiyada iyo
xukuumadu, waxaan u arkaa mid anfacaya ummadda, waxaanu taa u yeelnay si
aan loo arag in aanu kursiga isku sii dhajinayno ,oo aanu doonayno cimri
dherer, heshiiskani Illaahay ha ka dhigo mid ina anfaca.
Komishankana waxaa laga rabaa in uu noqdo mid caadila oo waxay
go’aaminayaan hor illaahay u go’aamiya oo aan cid eega is odhan,
arinkiina iyo khilaafkiinu ha ku eekaado makhsinkiina dhexdiisa yaanu
dibadda usoo bixin.
Isna waxaa halkaa ka hadlay Sheekh Aadan Siiro oo ka sheekeeyey qiimaha
uu diinteenu siisay heshiiska iyo siday u adkaysay “ rasuulku waligii
inta uu noolaa salaad casar ayuu ka habsaamay, markii lays waydiiyey
waxaa uu uga habsaamay waxa uu uga habsaamay dad muslimiina oo isdilay
darteed ayey salaadii kaga tagtay 23 sanadood oo dacwada Diinta uu waday,
salaada sunaha iyo in dadka la heshiisiiyo waxaa ka fadli badan in dadka
la heshiisiiyo, erayga Somaliland aynu ku bedelno Jamhuuriyada
Somaliland, waayo waxaa jira land-badan si markaa inay jamhuuriyad tahay
aynu u muujino, jamhuuriyada Somaliland waa mid ku caano maashay isku
tanaasul , waxaan ahay dadka ku adag in la unko Jamhuuriyada Somaliland
oo lagu unko nabad, waxaan ku waaninayaa saddexda xisbi qaran waar
ummadda wax Somaliland ka hooseeya ha ugu yeedhina, waynu samaynay
waxyaalo badan, waxyaalihii ay shuruud inagu xidheen waanu ka soo baxnay,
balse caalamku wuu inagu gabood falay, waxaan leeyahay aynu is
karaameyno, maalinba ninka joogana ha la karaameeyo”.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Cabdi Yuusuf Ducaale ( Boobe) oo ka socday
Acadamiga nabada iyo horumarinta oo iyagu ah kuwii hawsha isku keenida
dabada ka waday, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ saddexda xisbi qaran,
Xukuumada iyo Komishanka oo muddo ku hawlanaa sidii uu heshiisku u
hirgali lahaa, anaguna xogogaal u ahayn xaalada ay ku jiraan labada heer
ee ay kala taagnaayeen, heerkii hoose ee saddexda xubnood ahaa ee
komishanka iyo saddexda xisbiba ku jireen, iyo heerkii sare ee ay
gudoomiyeyaashu ku jireen, marxalad xanuun leh , lagu kala kaco, dib
layskugu soo noqdo marlabaad wada hadalada lagu soo noqdo oo la wada
fadhiisto, iyagoo dadkuna ay heegan u yihiin waxaa ka soo bixikara,
waxaan halkan uga mahad naqayaa sida jilayaashaasi sidii xilkasnimada
ahayd ee ay arintaas usoo gebagabeeyeen, waxaana halkan iyana Mahad ugu
soo jeedinaynaa bulshada rayidka ah oo inta ay shireen saddex waraaqood
saddexda gudoomiye u kala dhiibay, magaaladana ay maryo ku xidheen oo ay
kaga hadlayaan sida heegan loogu yahay nabada iyo in ay gacanta sare
yeelato sharcigu” ayuu ku soo xidhay Boobe Yuusuf Ducaale.
Wakiilada
Oo Maanta Bilaa Dood Ku Ansixinaya Lifaaqa Xeerka Diiwaangelinta
|
Hargeysa, June 10, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiiladda ayaa fadhigoodii
shalay si rasmiya u galay kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee uu
Madaxweyne Riyaale isugu yeedhay, taas oo loogu qaybiyey madasha fadhiga
lifaaqa qodobada ay heshiiska ku soo gaadheen xisbiyadu in xeerka
Diiwaangelinta wax ka bedel lagu sameeyo, kaas oo uu Madaxweyne
Riyaalana lifaaqaasi shirgudoonka usoo gudbiyey, waxaana la filayaa
lifaaqaan in goluhu bilaa dood ku ansixiyo fadhigiisa maanta.
Fadhigan shalay oo uu guddoominaayey ku simaha guddoomiyaha golaha
wakiilada, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka labaad Baashe Maxamed
Faarax ayaa waxaa mudanayaasha madasha fadhiyey loo qaybiyey lifaaqa wax
ka bedelka xeerka Diiwaangelinta cod-biyeyaasha oo ay wax ka bedel ay ku
soo sameeyeen Asxaabta siyaasadeed kaas oo noqon doona wax ka bedel ku
meel gaadha oo lagu laalayo qodobada kala ah Qodabada 7aad, 8aad, 9aad,
10aad,12aad,13aad, 14aad, 18aad, 19aad, 22aad, 23aad, 27aad, 28aad iyo
31aad ee xeerka Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, oo ay asxaabtu u arkeen
inay caqabad ay ku yihiin time line-ka doorashooyinka ay u qabsadeen
asxaabta iyo komishanku , taas darteedna wakiilada loogu soo gudbiyey in
lifaaqa xeerkan Diiwaangelinta iyo wax ka bedelkiisa ay soo ansixiyeen.
Intaa ka dib ayuu guddoomiye Baashe Maxamed Faarax fadhigaasi kaga
dhowaaqay in fadhiga maanta ee goluhu yeelan doono cod-ku ansixin doono
lifaaqa laalista qodobada xeerka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo hore
labada gole baarlamaan u wada ansixiyeen 2008-deedii Maxaweyne Riyaalana
uu Digreeto ku dhaqan galiyey.
Saraakiil Sirdoonka Iyo Milateriga Britain Ah Oo Booqday Magaalooyinka
Berbera Iyo Wajaale
Berbera, June 10, 2008 (Haatuf) – Wefti ka kooban Saraakiil Ciidamada
Sirdoonka iyo Milateriga Britain oo uu horkacayo Sarkaal ka tirsan
Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, oo booqasho dhawr maalmood
ah ku joogay Somaliland ayaa shalay booqday magaalooyinka Berbera iyo
Wajaale, waxaana weftiga safarkooda magaalooyinkaas ku wehelinayay
Madaxa ciidanka Sirdoonka Somaliland, iyagoo muddadii ay magaalada
Berbera joogeen soo kormeeray dekedda iyo Madaarka, isla markaana kulan
la yeeshay Saraakiisha Sirdoonka iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland.
Weftigan oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Safiirka Britain u fadhiya dalka
Itoobiya John Marshal ayaa waxa kale oo ka mid ah Sarkaalka Sirdoonka
Britain u xilsaaran arrimaha la dagaalanka Argagixisada oo fadhigiisu
yahay magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo
dorraad xafiiskiisa kula kulmay weftigan ayaa sheegay inay ka socdaan
xubnaha weftigan Safaaradaha Britain ku leedahay dalalka Kenya, Yemen
iyo Itoobiya, isla markaana yihiin ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan
dawladda dhexe ee Britain, hase yeeshee wararka shalay laga helay
weftigan waxay tibaaxeen inaanu ahayn sida uu wasiirku warbaahinta u
sheegay, balse ay yihiin Saraakiil ka socoto ciidamada sirdoonka iyo
Milateriga Britain isla markaana ay u socdaan arrimo aan ilaa hadda
daboolka si rasmi ah looga qaadin.
Xubnaha weftigan ayaa markii ay shalay tageen magaalada Berbera waxay
kulamo la yeesheen saraakiisha hay’adda sirdoonka Somaliland ee ku sugan
magaalada Berbera iyo saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha ee
fadhigoodu yahay magaaladaas, hase yeeshee lama sheegin waxyaabaha ay ka
wada hadleen.
Weftigan ayaa la sheegay inay laba isu qaybiyeen oo qaar ka mid ahi isla
maalintii shalay booqdeen magaalada Wajaale ee ku taalla xuduudda u
dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha
sirdoonka iyo masuuliyiinta ammaanka ee Somaliland.
Ilaa iyo hadda ma cadda ujeedada rasmiga ah ee weftigani u socdaan iyo
waxyaabihii ay ka wada hadleen masuuliyiinta iyo saraakiisha Xukuumadda
Somaliland ee ay kulamada la yeesheen.
Sida la ogsoon yahay dawladda Britain iyo USA ayaa hormood ka ahaa
qaraar qabyo ahaa oo Golaha Ammaanka bishii hore ay u gudbiyeen si loogu
ogolaado ciidamada Badda ee dalalka reer Galbeedka ee xidhiidhka la leh
dawladda Mbagathi inay gudaha xeebaha Somalia ugula dagaalamaan budhcad
baddeeda xeebaha Somalia ku qafaalata maraakiibta maraysa badaha
Somalia, taas oo uu Golaha Ammaanku shir uu toddobaadkii hore ku yeeshay
dalka Djibouti ku ansixiyay qaraar u fasaxay maraakiibta dagaalka ee
dawladaha reer Galbeedka ah inay budhcad baddeeda ku weeraraan gudaha
xeebaha dalka Somalia.
Sirdoonka dawladda Britain ayaa taageero dhaqaale oo ballaadhan siiya
ciidamada sirdoonka Somaliland, isla markaana waxaa labada dhinac ka
dhexeeya wada-shaqeyn.
Guusha
Obama Oo Taariikh Cusub U Jeexday Dalka Maraykanka?
Axmed Ugaas |
Barak Obama wuxuu gaadhay guushii ugu horreysay ee uu nin
madow ka gaadho siyaasadda Mareykanka. Wuxuu ku guuleystay inuu noqdo
murashaxa Xisbiga Dimoqraadiga ah u tartamaya kursiga madaxweynenimada,
isagoo loollan la galaya John Mcain oo ka taagan Xisbiga Jamhuuriga.
Waxay noqotay arrin taariikhda gashay. In badan maanay mala-awaali karin
in Obama ku soo bixi doono tartanka Xisbiga Dimoqraadiga dhexdiisa ah
marka la eego qodobadan:
• Obama waa nin da’ yar oo aan waayo-aragnimo siyaasadeed oo sidaas u
badan lahayn. Wuxuu jiraa 46 sano, waana markii ugu horreysay ee uu soo
galo senat-ka. Waxaad waayo-aragnimadiisa sii dhayalsaneysaa marka aad
barbardhigto Hillary Clinton oo 2 goor senate-ka soo gashay. Waxay sidoo
kale soo noqotay marwada koowaad ee dalka iyadoo u dhaxday Bill Clinton
oo 8 sano ka ahaa madaxweyne (1993-2000).
• Obama maaha nin hodan ah oo caan ka ahaa Mareykanka, maadaama dadka
siyaasadda Maraykanka haweystaa ay u badan yihiin hantiilayaal. Hase
yeeshee Obama wuxuu ururiyay lacagtii ugu badneyd ee taariikhda
Mareykanka loo uruuriyo tartanka doorashada ee xisbiga dhexdiisa ah,
iyadoo dadku ugu yabooheen $256 milyan. Oo dollar Halka Hillary Clinton
lagu yeeshay deyn gaadheysa illaa 20 milyan oo dollar ololaheeda.
• Waa nin madow ah oo aabihii uu dhowaan soo galay Mareykanka. Dad badan
ayaa aaminsanaa in qof ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay,
sida madowga, aanay haweysan karin jagada ugu sarreysa Mareykanka.
• Waxay muujineysaa in shacabka Mareykanku ay u baahan yihiin isbeddel
ay keenaan dadka da’da yar. Hal-hayska uu xushay Obama (isbeddel la
rumeysan karo) waa mid si weyn looga baaraan-degay, isla markaana ka
tarjumaya tartankiisa. Taasi waxay caddeyneysaa inay shacabku isbeddel
doonayaan, isbeddelkaasna uu ka iman karo da’yarta.
• Waxay doorashadani soo bandhigtay awoodda dahsoon ee dadka da’yarta ah
iyo gobollada yar yarka ah. Hillary Clinton waxay xoogga saartay dadka
waaweyn iyo gobollada dadku ku badan yihiin. Hase yeeshee Obama wuxuu
ina baray in da’yartu noqon karaan awood weyn maadaama dadka taageerayay
ay u badnaayeen dhallinyaro madow iyo caddaanba leh. Sidoo kale waxaa
laga faa’idaysan karaa awoodda gobollada yar yar markay isku tagto inay
ka xoog badan tahay tan gobollada waaweyn.
• Waxay shacabka Mareykanku diideen inuu qaab boqortooyo u eg uu ka
billowdo Mareykanka. Hadday oggolaadeen in wiil iyo aabihii ay
Madaxweyneyaal noqdaan, markan ‘waxaan ahaan jiray marwadii koowaad’
waxay noqon weyday wax dadka lagu soo jiito.
Inkastoo guusha uu gaadhay Obama aanay damaanad-qaad u ahayn inuu ku
guuleysto kursiga Madaxweynenimada, haddana marka la qiimeeyo waxyaabaha
uu xaqiijiyay, waxaan odhan karnaa intan ayaaba guul u ah.
Taariikhda cusub ee uu dhigay Obama waxay waddada u xaadheysaa inaanay
mucjiso ahayn in qof wakhti dhow soo galay Mareykanku, oo aan hantiile
ahayn, isla markaana ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay uu
noqon karo madaxweyne la doortay. Waa arrin aan ka dhici karin dal kale
oo aan ka ahayn Mareykanka oo lagu tilaamo inuu yahay dalkii fursadaha
badnaa.
Haddii la soo koobo waxaa laga faa’idaysan karaa guusha Obama in
Mareykanku yahay dal wada fursad ah, qof kasta oo dadaalana uu
mustaqbalka sameyn karo fursaahan oo kale Mareykanka. Obama wuxuu inoo
muujiyay in ciddii dadaasha ay mustaqbal ifaya ka sameysan karto
Mareykanka, iyadoo waxyaabihii la aaminsanaa inay wax tarayaan oo dhan
aanay culeys badan sameyneyn: sida qowmiyadda, hantida, waayo-aragnimo
siyaasadeed, iyo inaad soo-galooti tahay toona
Toddobaadle gorfeeya arrimaha dhalinyarada
Diyaariye: Maxamed cilmi aadan.
Waayaha dhalinta:
Daryeel la’aanta darbi jiifka;
Ubadka iyo dhalinta da’da yari waa beerkeenii oo dhulka lugaynaya, waa
nimcooyinka waaweyn ee ilaah aadamaha uu ku manaysto, waa mid muddan in
la daryeelo inta ubadkaasi ka qaangaadhayaan, sidaas ayaa Eebe xilka
daryeelka ubadka dusha ka saaray waalidka oo isku sidkan hooyo iyo aabo,
isagoo naxariis u geliyay kobcinta, koolkoolinta, daryeelka, waxbarista
iyo guud ahaan koris jidheed iyo nafeedba in ubadka ay u huraan si hagar
la’aan ah.
Hooyo iyo aabo kasta ma jecla in isagoo nool ay dhacdo in ubadkiisu lur
iyo leeleel aduun la soo derso oo uu dushooda ka dareemo daranyo iyo
dacas xanuun midna, balse si kastaba ha ahaatee gedgedoonka waayaha ayaa
sababa in ubadku ku darxumoobaan dariiqyada magaalooyinka ahaadaana
darbi-jiif dayacan oo cidna aanay dareen iyo dhug dheeraad ah u yeelan,
sababo la xidhiidha durugsanaanta ay ka durkeen dariiqa saxa ah iyo
fidrada caadiga ah. Ma aha wax lala yaabo dhalinta darbi-jiikfa ah waayo
waa bulsho ku dhaqan dhamaan magaalooyinkeena oo aan xog dheeraada laga
hayn, marka aad u kuurgasho in aad wax ka ogaato sababaha ku khasbay in
ay ka soo dibad baxaan hoygoodii waxa aad ogaanaysaa in intooda badan ay
dabada ka soo kaxaysay waayo qalafsan iyo ayaan liita oo u sugnaaday.
Intooda badan waxa ay yihiin da’ yar u badan wiilal, waxase waayadan
weheliya gabdho taas oo tilmaamaysa ayaan daro iyo dhibaatada oo intii
hore ka sii qaro iyo qoto dheeraanaysa, loona baahan yahay in si heer
isku duubni shacab iyo xukuumadeed loogu gurmado loona badbaadiyo
mustaqbalka da’yarta aan hadda ujeedno oo berri isku bedeli kara budhcad
qawlaysato ah oo berri ka maalin geysta khasaare nafeed iyo maalba loona
caal waayo wax ka qabashadooda.
Mustaqbalka da’yarta darbi-jiiftu waa mustaqbalka ubadkeena, waayo
haddii aan u dabci weyno oo aan ku warwari weyno sidii aan wax ugu qaban
lahayn oo aan uga gargaari lahayn wakhtiga da’yartaas ku jiifa waxa
hubaal ah in laf dhuun gashay ay ku noqon doonaan mustaqbalka ubadkeena
aan koolkoolinayno ee aan ku dadaalno ayaahooda laga bilaabo xoolka,
dugsiga ilaa jaamacadda iyo ilaa shaqo taggiisaba. Waxa aan odhan karnaa
dhalintaas dayacani waa qodax daadsan waddada mustaqbalka ubadkeena
loona baahan yahay in laga basriyo sida ugu muddan uguna macquulsan, si
nolosha ubadkeena iyo guud ahaan bulshaduba u samaato. Haddii aan
ubadkaas il naxariis leh ku eegno EEBE weyne ayaa run ahaan inoo
naxariisan.
Ugu dambayn aan xil iska saarno una fakirno jahaynta ubadkaas Illaah ina
baday inagana dhigay qaar doon qudha wada saaran degsiimo qudha wada
degen darmo qudhna ku wada jiifa.
Lamaanaha nolosha:
Guurka iyo wakhtigan
Guurku waa sunne ka mida sunayaasha nolosha ee Illaah ugu tala galay in
ay shaqeeyaan inta tafiirta sanku neefluhu dunida joogto. Waa laf
dhabarta nolosha islaamka, waa mid muddan in si qotodheer loo lafa guro
loona sameeyo itijaah siyaasi ah gaar ahaan ummadeenan u badan reer
guuraaga xoolo dhaqatada ah ee noloshii baadiyaha daf la soo tidhi
benderiyada iyadoo aan wax isbedel muuqda lagu samayn dhinaca dhaqanka
iyo xeerarka rakiiga ah ee ku jira waloo dhaqankeenu uu aad uga
horumarsanaa dhaqamada kale ee qaaradan aan joogno iyo guud ahaan
caalamkaba kuna qotomay oo rukumo adag ay u ahaayeen xeerarka diinta
islaamku, haddana waxa jiray meelo wax ka bedelid u baahnaa balse ay ka
gaabiyeen xeerbeegtidii hore iyo bulshaduba noqdayna dhaqan aan hadhin.
Aan shakaalka ka rogo ula jeedaydee waa qaabka guurka ee geed fadhiisiga
iyo isa siinta amaba isu hibaynta geyaanka. Waxa aan caad saarnayn
shakina ku jirin in waayadii hore iyo dhaqankeena gabadha inta badan ay
ahayd nooc ka mida hantida reerka iyo badeecad qaali ah oo beeshu
ilaashato, lana sugo maalinta ay ulabba qaraxdo ee xoolo badan ay soo
hoyso. Waxa aalaaba dhici jirtay in aad loo adkayn jiray shuruudaha
guurka oo aanay dhici jirin in ina rag kiisa saboolka ahi uu hawaysto
guur iyo afaarihiisa toona, dadkuna aanay siin jirin nin Saboola
hablahooda, taasi waxa ay sababi jirtay in wiil Sabool ahi waxa uu guur
umeer ahaadaba uu u fekeri jiray sidii uu nolosha lamaane ugu heli lahaa
taana waxa ka dhalan jirtay in qaabab iyo xirfado uu isku dayo si uu u
helo qofka ay nolosha in ay wadaagaan ku heshiiyaan, waxaana guurku u
dhici jiray qaabab dhac ah oo ay ka mid ahaayeen la-tag oo ahayd in wiil
inta uu gabadh la heshiiyo ka dibna ula baxsado kuna soo guursado meel
deegaankooda ka baxsan. Waxa kaloo jirtay iyana qaabka dhabar garaaca oo
isna gabadha ay wiilka u jujuubi jireen il maadeeradii iyo saxaabadii.
Qaababkaas waxa ku guursan jiray ina rag kooda ragganimo leh ee tahli
kara in uu sidaas wax u farsameeyo, balse rag iskuma jiree kooda liita
dhinaca ragganimada iyo ra’yiga waxa uu sugi jiray inta gabdhahaas
qaaliga ahi ay guur waayayaan ee ay heerin ahaan u hayaami lahaayeen, oo
sheeda ayuu ka eegan jiray ama inta nasiibku siinayo inan u soo gasha
ayuu sugi jiray, taasna waxa ay qaadan jirtay wakhti intiisa le’eg.
Intaas dhaqankii waayadii hore dheh, balse hadda xaalku waa sidee?
Waa sidaa iyo si ka sii rakiigsan, waa noloshii oo magaalawday iyo
shuruudihii oo ka sii adkaaday. Waxa guurka wakhtigan qiyaas u ah Doolar,
halka waagii hore ay ka ahayd Geel. Guurka hadda waxa bud dhig u ah
yarad qaali ah, meher qaali ah, guri qaali ah iyo nolol qaali ah, haddii
intaa aad weydo waa iska kuudud xidhnaw guurka iyo sheekadiina dhaaf.
Haddii xaal sidaa yahay adkaynta guurkii hore waxa ka dhashay waynigii
soo tilmaamnay, laakiin maxaa ka dhashay adkaynta guurka wakhtigan?
Waloo lagu kala aragti duwan yahay waxa ka dhashay guurka wakhtigan la
adkeeyay, haddana waxa aan ku soo koobi karnaa.
1.dhaqan- guur oo aan uga jeedo “ku qaadada” oo fara badatay taas oo ay
ka dhalatey labadii lamaane ee muddo badan raaxeeye wadaagayay, in badan
telefoonka iska shukaansanayay, huteelada casho haasaweed ku wada
qaadanayay, ku heshiiyay in ay reer wada dhistaan marka uu kooda lab ka
war helo in aanu guur u saamaxayn wakhtigu waxa uu u tafaxaytaa in uu si
kale kubbada u ciyaaro oo uu sameeyo arrin aad u qalafsan oo ah inuu si
sharci darro ah u uureeyo lamaantii jacaylka la jilaysay, taasina ay
sababto in gabadha reerkeedii oo guurayaa ugu yimaadaan gaada ciyaar una
dhameeyaan wax allaale wixii guur u baahnaa fududeeyaana wixii qaali
ahaa. Kuna wada qawlaan min suldaanka reerka ilaa ka u hooseeyaa inaga
astura uun..
2. ta labaad waa guurkii carmasha oo batay waxa dhalinyaradii uga digo
rogteen guurka hablihii bikirka ahaa ee is qaaliyeeyay in ay guursadaan
garoob hoygeedii, agabkeedii iyo masaariifteedii iska haysta .
3. Waxa batay sinada iyo fawaaxishka.
4. Balwadaha rag iyo dumar da’yari ku walfaan oo maalinba maalinta ka
dambaysa sii badanaya sida, qaadka, sigaarka, badeecada iyo
maandooriyayaal kale.
Ugu dambayn si noloshu raandiis u yeelato aan fududayno guurka una
saamaxno dhalinyaradeena si saraaxad leh in ay u helaan nolol farxad
aduun ku shaqlantahay oo guur fudud fure u yahay.
Daqiiqad ila qosol
Waxa la yidhi Mahdigii mar ahaa madaxweynaha muslimiinta ayaa maalin u
baxay ugaadhsi, markaasuu faraskii uu watay la halaabay lana tagay dhul
ka durugsan ciidankii uu la socday, waxa aanu la kulmay Nin reer baadiye
ah, markaasuu ku yidhi waar ma haysaa wax marti sooryo ah kolkaasuu
ninkii reer baadiyaha ahaa, haa intuu yidhi xeedho hadhuudh ah siiyay,
qabo halkan taalana uga soo daray hadhuub caano ah. Markii uu intaas
isku fuuqsaday ayuu amiirkii ku yidhi waar ma itaqaanaa, markaasuu
ninkii ugu jawaabay ‘maya inaadeer’ markaasuu amiirkii ku yidhi: ‘waxa
aan ahay madaxweynaha muslimiinta adeegihiisa gaarka ah.’ Ninkii ayaa
ugu hal celiyay Illaahay mansabkaaga ha kuu barakeeyo. Markaasuu mar
labaad caanihii siiyay, markaasuu haddana amiirkii cabay oo ku yidhi:
‘waar ma igaranaysaa ka aan ahay?’ markaasu ugu jawaabay: ‘miyaanad ii
sheegin in aad amiirka adeege gaar ah u tahay’. Markaasuu amiirkii ku
yidhi: ‘maya, waxa aan ahay amiirka ilaaliyihiisa gaarka ah’. Markaasuu
ninkii reer baadiyaha ahaa ku yidhi: ‘muuqaa ha jiro oo muraadkaaga hel’
waxaanu mar saddexaad siiyay caanihii. Markii uu caanihii cabay ayuu
haddana amiirkii ninkii weydiiyay oo ku yidhi: ‘ma taqaan kaan ahay?’
Markaasuu ninkii yidhi waar sawdigii lahaa waxa aan ahay ilaaliyaha
gaarka ah ee amiirka. Markaasu amiirkii yidhi: ‘mayee waxa aan ahay
amiirkii mu’miniinta’. Markaasuu ninkii intuu hadhuubktii qaaday madaxa
ka qabadsiiyay oo ku yidhi wallaahi haddii mar afraad aad caanaha cabto
in aad sheegan in aad Rasuulkii Alle tahay (CSW). Markaasuu amiirkii aad
iyo aad u qosalay ka dibna waxa soo gaadhay colkii amiirka ku
wehelinayay ugaadhsiga, markaasay fardihii ka soo daadageen dad sharaf
iyo madaxnimo ka muuqato. Intaa kadib ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa
jareeyay oo baqdin dareemay, kolkaasu ku yidhi amiirkii ha baqin dhibi
ma jirtee waxaanu siiyay abaalmarin uu ku farxay.
Tijaabi aqoontaada .
Isku day in aad su’aalahan si saxa uga jawaabto oo aad garaadkaaga
tijaabiso kuna soo hagaaji jawaabaha cinwaankan: hanaqaad98@yahoo.com .
lana soco jawaabaha saxda ah toddobaadka dambe haddii alle idmo.
1-Sanadkee, bishee iyo maalintee ayuu geeriyooday sheekhii weynaa ee
Ibna Baaz(AHN)?
2. Waxa aad sheegtaa qaaradda ugu joog dheer, ugu qalalan uguna qabaw
dhulka guudkiisa
3. Sidee ayaad u malaynaysaa in libaax badeedku ku helo kalluunka si uu
u quuto?
4. Luqadda Ingiriisiga waxa jira afar kalmadood oo keliya oo ku dhamaada
‘-dous” waa ku wee?
5. Waa kuwee labada luqadood ee dadka ugu badan ee caalamku ku hadlaan?
Gunto murtidan
Furayaasha nolosha
Furaha salaadu waa dahaarada.
Furaha xajku waa ixraamka.
Furraha samafalku waa runta.
Furraha guushu waa sabirka.
Furraha liibaantu waa Alle ka cabsiga.
Furraha ijaabadu waa ducada.
Furaha cisigu waa daacada Alle iyo Rasuulkiisa(NNKH).
Furraha risiqu waa dedaalka iyo deeqda.
Furraha janadu waa Laa Ilaaha ila laah Muxamad Rasuulu laah.
Furraha quluubtu waa qur’aanka iyo ka tegista dunuubta.
Furraha cilmigu waa sifo iyo su’aal wanaagsan.
Furraha iimaanku waa ka fekerid aayadaha raxmaanka.
Furraha danuubtu waa khamriga .
Furraha gaalnimadu waa macsida.
Furraha munaafaqnimadu waa beenta.
Xulashada xikmada
Gabayaa: Ismaaciil Mire
1. Inkastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo, bad kalluun ku jira
koley ku tahay amase koob shaaha, kulligood adoomaha rabbow qeybshay
kimistiiye, Nin waliba waxii loo katibay waa la kulansiine, Nina inaanu
soo kororsanayn kaa hala ogaado. Top
Xubin
Miisaan Culus Ku Leh KULMIYE Oo Hargeysa Si Diiran Loogu Soo
Dhoweeyay |
“Hooyadeen Indho La’aantii Dad Cun-Nimo Ayey Ku Darsatay”
Hargeysa, June 10, 2008 (Haatuf) – Axmed Yuusuf Ducaale (Dhigane) oo ka
mid ah xubnaha sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE-UK ayaa
shalay ka soo dagay dhabbaha dayuuradaha ee Hargeysa, waxaana halkaas ku
soo dhoweeyay masuuliyiin sare oo Kulmiye ah, taageerayaal iyo dadweyne
fara-badan oo ka tirsan xisbiga.
Hadal kooban oo Axmed Yuusuf halkaa saxaafada ku siiyay waxa uu ku
sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshan uu dalka yimid, waxa kale oo uu
ku sheegay inuu hore uga mid ahaa xisbiga UDUB Balse uu ka digo rogtay
markii wax talo ah laga dhegaysan waayay, kana door-biday inuu xisbiga
KULMIYE u soo wareego oo talo wadaag leh.
Ugu horayn Axmed Yuusuf Ducaale isaga oo ka waramaya ujeedada
socdaalkiisan uu dalka ku yimid waxa uu yidhi “ Horta socdaalku waa mid
Dalku iiga baahnaa, aniguna in badan aan naawilayey ilaahayna marka uu
qadaro ayuun-buu suura galaaye wuxuu qadaray maanta, waxaanan ku rajo
badnahay inuu noqdo Ilaahay idamkii mid anigana kor ii qaada Somaliland-na
wixii ka dhiman wax ka tara” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Ducaale isagoo
intaa raaciyey “ Aaad baan ugu faraxsanahay imaanshahan aan maanta dalka
imid waxaa kale oo aan u mahad celinayaa masuuliyiintan Kulmiye iyo
taageerayaasha sida wacan ee ay iigu soo dhoweeyee.
Intaa ka dib su’aalihii ay Saxaafadu waydiisay iyo jawaabahoodii waxay u
dhaceen sidan:-
S: Socdaalkaagu waxaa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo xisbiyadiina
heshiis wax isla meel dhigeen, Badhna wali dhiman yihiin, bal arrintaa
ka waran maxaad ka odhan lahayd?
J: Horta wixii lagu heshiiyey waan ku faraxsanahay, haddaanu dibada
joognay waxaan ka warami karaa dadkii dibada joogay fakirka uu qaatay,
dadka dibada joogay waxa uu u qaatay xisbiyada mucaaridka ah oo tudhis
ay u tudhayaan dalka ka tanaasulay wixii ay xaqa u lahaayeen, markii cid
kale ay diiday inay iyagu halkaa isasoo taagto.
S: Axmed waxaad ka mid ahayd taageerayaashii ugu waaweynaa ee xisbiga
talada haya ee UDUB ilaa imikana dalkan ragii usoo halgmay baad ka mid
ahayd, imikana waxaad ku biirtay xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye oo
imika muddo sanad iyo dheerad aad ku jirtay, sababta aad xisbigaaga UDUB
uga baxday ee aad ugu biirtay KULMIYE ilaa imika si cad saxaafada
Somaliland waraysi ay kaala yeelatay ma jirto arrintaasi, bal maxaad ku
nisbayn lahayd sababtaad uga baxday xisbiga UDUB?
J: Arrintaa anigoo UDUB ku jira baan cadeeyay, waa canaan, waa tebis
waxaan tabaayo, anigoo UDUB ku jiraan, hore qoraal iyo warar intii aan
London joogay u cadeeyay, meeshaad ku jirto dee waxbaa laga taraa, qof
la iska daba gal, wax la caabudana Illaahay un-baa jira bini’aadamka
talaa la isku biirsadaa Illaah baana ina amray inaynu talada isku
biirsano waa-ba amar, hadduu qof isku filaanayo nebi Maxamed baa isku
filaan lahaa oo Illaahay ku amray inuu dadka la tashado, laba siyood baa
looga jeeday mid weeyaane inaanu isagu madaxa taagin oo kibrin.
Mida labaad ee Illaahay Aayadaa uga jeedayna waxay ahayd, nebi Maxamed
scw inuu dadka la joogaa ay arkaan inuu iyaguna talada wax ku leeyihiin,
oo mudnaan leeyihiin.
Markaa UDUB markii hore xisbi qaran buu ahaa oo xisbiyada ka mid ah waan
la kaacamay, waan la bilaabay, liisankaan wax ka sameeyay, UK-na dee
bilawgiisii-ba anigaa hor-kac ka ahaa laakiin dee marka taladiisii waxba
lagaaga diido, oo waxa khaldan aad tilmaanto la diido in lagaa dhegaysto
dee waxaad meesha u joogto garan maysid, markaa waxaan door-biday bal
cid kale oo wax iga maqasha, indhaha markaan mariyayna waxaan u arkay in
KULMIYE uu dhego u leeyahay hadalkayga oo wax iga maqlayo, wixii markaa
aan hayo.
S- waxaa magaalada Hargeysa dhawaan ka dhacay shirweynhii 2aad ee
xisbiga KULMIYE, oo lagu soo doortay hogaan xisbigaasi leeyahay, oo
hogaankaasi ka hada xisbiga hogaamiya uu yahay, siduu kuula muuqday
shirwaynuu si dimoqraadiya ma u dhacay oo ma hambalyaysay, wax hadal ah
lagaama maqal intii uu shirweynaha xisbigu dhacayay?
J- xisbiga waan hambalyeeyay badheedh baan u hambalyeeyay oo maqaal
magac dheer leh waan ka qoray, waxase igu filan aniga inuu KULMIYE
hambalyadayda-ba ka horeeyo dadkii dibada joogay ee anigu aan la joogay
yurub ninka la yidhaahdo Allain Mickal, oo Somaliland u halgama iyo 34
qof oo rag iyo dumarba isugu jira oo la yidhaahdo Somaliland Fox khudbad
uu ka akhriyay siduu u hambalyeeyay ayaa aniga igaga filan wuxuu
ninkaasi arkay ajnebiga ahi ee aan anigu arki waayo inaan indhaha ka
qarsado maaha , markaa waan hambalyeeyay, waanan hambalyaynayaa, waana
taageerayaa waxaanan rajaynayaa inuu Illaahay waafajiyo tubta.
S- xisbigi aad ka soo baxaday ee UDUB weli shirweynihiisii isagu muu
qabsan saaxiibadaa baa kolay ku jira oo waa xisbi aad muddo dheer ku soo
jiray wax talo ah ma u jeedinaysaa ama tusaalayn ah oo aad leedahay
shirweynihiinu sidaas ayuu ku qabsoomi kara, maxaad isleedahay
shirwaynihii UDUB wali wuu u qabsoomi laa’yahay ilaa imika?
J- wuxuu yidhi ninkii jiray waar hooyadeen indho-la’aan ma ku ogayd, dad
cuna way ku darsatay.
Markaan joogay bay I maqli waayeen ee aan UDUB ka mid ahaa, hadeer oo
aan ka soo horjeedo oo ay cadow u yaqanaan mucaaridka-ba u malayn maayo
inay waxba iga maqlaan ee waxa laga yaabaa hadaan kula taliyo shir
qabsada inay sii fogaadaan baan ka baqayaa, markaa ku odhan maayo.
S- in badan baad dalka lagaa sugaayay oo lagu saadaalinayay maantana
waad timid, Malaga yaabaa inaad mansab sare ka qabato xisbigan KULMIYE
ee aad soo gashay oo hunguri ma-kaa hayaa inaad hogaanka sare wax ka
qabato?
J- Waxa aan idiin sheegayaa haddii aad tihiin saxaafada, horta waxaan
idiin ballan qadayaa oo inaad iga fidisaan dadka u sheegtaan nin mansab
wasiirnimo doonaya inaanan ahayn waligayna noqonayn, waxaan u halgamayaa
sidaan u noolaan klahaa wadadii aniga ayaa haya, xisbiga taladiisa waan
ka qayb galayaa laakiin wasiir sare oo siyaasiya noqon maayo.
Dawladda
Mbagathi Iyo Isbahaysiga Dib-U-Xoraynta Oo Markii Ugu Horaysay
Heshiis Kala Saxeexday |
Waxa Lagu Heshiiyey In Muddo Afar Bilood Ah Ciidamada Itoobiya Kaga Baxaan
Somalia, Kuwa QM Ahna La Keeno
Hargeysa, June 10, 2008 (Haatuf) – Shirkii dibu heshiisinta ee Soomaalida
uga socday dalka Djabuuti ayaa la soo gabagabeeyay shalay ka dib markii
lagu heshiiyey qodobo dhawr ah oo muhiim ah kuwo la filayay iyo kuwo aan
la filayn-ba.
Qodobada ugu muhiimsan ee la isla gartay labada dhinac ee TFG-ga iyo
Isbahaysiga dibu xoraynta, waxaana lagu soo gabagabeeyay qodobada ay ka
mid yihiin:
Muddo 30 maalmood ah oo laga bilaabo maalinta heshiiska la sexeexo, in
wadanka laga dhaqan geliyo xuduuda Somalia oo dhan heshiiskan.
Sidoo kale waxa la isku afgartay xabad joojin in la sameeyo dhinacyada
oo dhan, xabad joojintaas oo muddo 90 cisho ah socon doonta oo la
cusboonaysiin karo marka loo baahdo.
Waxa kale oo ka mid ah qodobada, in muddo 120 cisho ah gudaheed golaha
Ammaanka ee QM ay labada dhinac-ba ka codsadaan in Somalia loo soo diro
ciidamo nabad ilaalin ah, oo laga keenayo wadamada saaxiibada la ah
Somalia lagana reebayo wadamada deriska la ah Somalia.
Sidoo kale waxa la isla gartay oo muhiim ah oo muranku ka taagnaa muddo
120 maalmood gudahood ah, oo laga bilaabo maalinta heshiiskan la sexeexo
in dawlada federaalka Somalia ay ka shaqayso go’aan ay hore Itoobiya ay
u qaadatay oo ahaa in ciidamada Itoobiya laga saaro marka ay Somalia
yimaadaan ciidamo QM oo ku filan nabad ilaalinta, qodobkaas oo ahaa kuwa
shalay muranku ka taagnaa laakiin markii dambe la sila qaatay.
Waxa kale oo la isla gartay in Isbahaysigu iska fogeeyo dagaalka iyo
rabshadaha, oo cid kasta, koox kasta ama shaqsiyaad kasta oo hubaysan oo
iyaga ka soo horjeesta heshiiskana ay iska fogeeyaan.
Waxa kale oo qodobada ka mid ah: in heshiiskani ay fuliyaan dhinacyada
oo dhami, si wada jir ahna u codsadaan in dadka somaalida si degdeg ah
kaalmo loola soo gaadho.
Qodobada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah ee heshiiska labada dhinac
wada sexeexdeen xalay: in la sameeyo guddi ka socda labada dhinac ee
TFG-ga iyo Isbahaysiga muddo 15 maalmood gudaheed ah oo laga bilaabo
maalinta hesghiiska la sexeexo, guddigaasi oo QM madax ka noqon doonto,
shaqadiisuna ay tahay in xabad joojinta iyo arrimahaasi ay la socdaan.
Waxa kale oo heshiiska ka mid ah: in la sameeyo guddi sare oo QM ay
hogaaminayso oo ka shaqeeya muddo 15 cisho gudahood ah oo laga bilaabayo
maalinta heshiiska la sexeexay, in ay jka shaqeeyaan arrimaha siyaasada
iyo sidii loo xalin lahaa arrimaha cadaaladda oo looga shaqayn lahaa
dibu heshiisiin gaar ahaan arrimaha ku saabsan shirka soo socda oo la
donayo in la qabto 30/6/2008, oo la doonayo in lagala shaqeeyo
arrimahaasi.
Waxa kale oo la isla gartay in ay ka shaqeeyaan labada dhinac-ba dadka
kale ee Somaaliada ah ee iyagana uu heshiiskani khuseeyo sidii heshiiska
loo wada fulin lahaa.
Ugu dambayntii waxa lagu soo khatimay heshiiskan, in beesha caalamka la
weydiisto heshiiskana fulintiisa in ay gacan ka gaystaan, oo dhinacyada
oo dhana ka wada qayb galaan, muddo lix bilood gudaheedna lagu waydiisto
beesha caalamka in la qabto shirweyne caalami ah oo Somalia dib loogu
dhisayo.
Heshiiskan waxa ku wada sexeexan labada dhinac ee TFG-ga iyo Isbahaysiga
dibu xoraynta xubnihii madaxda u ahaa weftiga, dhanka QM-na waxa u
sexeexay ergayga xohayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia
Axmedou Wald Cabdalla, dawlado kale ayaa iyaguna jira oo goob joog ka
ahaa heshiiska sida France, UK, Maraykanka, Suadi Arabia, AU, EU,
Jaamacada carabta wakiilo ka socda iyo ururka Islaamka.
Heshiiskaas ka dib ayaa waxa halkaas khudbad ka jeediyay Axmed Wald
Cabdalla oo issagu ahaa dhexdhexaaadiyaha shirka oo sheegay in labadii
dhinacba ay is afgarten tanaasulna ay muujiyeen.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay madaxda labada wafti ee dhinacyada
TFG-ga iyo Isbahaysiga waxayna soo dhoweeyeen heshiiska iyaga oo
codsaday in lagu gacan siiyo qodobada heshiiskan. Top
|