Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1752 June 11, 2008

Madaxweyne Riyaale Oo Markii U Horeysay Madaxtooyada Ka Soo Baxay Isaga Oo Aan La Socon Tikniko

Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Degaanno Ka Tirsan Gobolka Awdal 

Madaxda Xisbiyada Qaranka Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Maanta U Kicitimaya Dalka Kenya 

Xasan Daahir Aways Oo Heshiiskii Dhexmaray Isbahaysiga Asmara Iyo Dawladda Mbagathi Ku Tilmaamay Mid Aan La Aqbali Karin  

 “Biyo Yaraanta Berbera Waa Mid Uu Sabab U Yahay Maareeyaha Biyuhu”
Xil Cabdale Kidaare –Golaha Degaanka Berbera

Kenya: Shirkad Isgaadhsiin Ah Oo Habeen Telefoonadeeda Lacag La’aan ka Dhigta

Sheeko: “Danle Iyo Dalmar, Dadku Waa Saddex”

 Guurtida Oo Hawlo Nabad-Raadin Iyo Turxaan Bixinta Garaadada Sool Ugu Anbabaxay Laas-caanood

 Wakiilada Oo Duuduub Ku Ansixiyey Wax-Ka-Bedelka Xeerka Diiwaan-Galinta

Riyaale Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Qaybo Ka Mid Ah Waxbarashada  

“Heshiiska Ay Xisbiyadu Galeen Waa Mid Sharciga Ka Baxsan Oo Dano Gaar Ah Laga Leeyahay”
Cabdiraxmaan Maxamed, Musharax Madaxweyne Madaxbanaa
n

 

 

 

 

 

 

 


Madaxweyne Riyaale Oo Markii U Horeysay Madaxtooyada Ka Soo Baxay Isaga Oo Aan La Socon Tikniko

Hargeysa, June 11, 2008 (Haatuf) - Madxweyne Daahir Riyaale ayaa shalay markii u horaysay ka soo baxay qasriga madaxtooyadiisa isagoo aanay dabayaacayn gaadhida tiknikada ee barbar yaaci jirtay sidii awal hore caadada u ahayd ilaalada madaxtooyada.

Riyaale oo shalay ka qayb galay xaflad ka dhacday wasaarada waxbarashada ayaa halkaas yimid iyadoo aanay la socon gawaadhida tinkikada ah, taas oo aan hore looga baran marka uu ka qayb galayo xafladaha noocan oo kale ah iyo markasta oo uu madaxtooyada ka soo baxo.

Inkastoo ay Madaxweyne Riyaale la socdeen ilaaladiisa khaaska ahi hadana waxaan meesha ka muuqan gawaadhida dagaalka ee raaci jirtay iyo qoryaha culculis ee ay ilaaladiisu had iyo jeer caanka ku ahayd isku marmaraan sida silsiladaha PKM.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegantay maalin ka dib markii ay qallinka ku duugeen axsaabta mucaaridka iyo xukuumada heshiis lagu soo afjaray khilaafaadkii.

Waxaanay taasi u muuqatay inay culays fara badan ka dul qaaday madaxweyne Riyaale oo uu cabsi badan ka qabay dhinaca mucaaridka.

Madaxweyne Riyaale oo shalay ay muuqtay kalsooni badan ayaa xafladii ka dib waxa uu isagoo gaadhigiisa xaga dambe fadhiya gacmaha u haadiyay tiro dad ah oo ku soo wasaarada waxbarashada horteeda waxaanay isaga iyo dhawrkii gaadhi ee lasocday ay u dhaqaaqeen wadada qabata miiska saraakiisha halkaas oo uu booqasho kedis ah ku tagay halkaas oo uu warbixin kaga dhagaystay taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka.

Madaxweyne Riyaale oo 15May ay ka dhamaatay shantii sanno ee xilka loo doortay ayaa waxay u muuqataa inuu maanta oo aanu ku fadhiyin doorasho uu kaga kalsooni badan yahay shantii sanadood ee codka dadweynaha ku fadhiyay kursiga, isagoo hab-dhaqankiisii hore ahaa mid lagu ilaaliyo Army culus sidii keligii taliye inqilaab ku qabsaday xukunka.

Inkastoo hab-dhaqankani yahay mid aad u fiican hadana waxa aan wali meesha ka bixin wasiiro badan oo inta ay xafiisyadooda soo banaeeyaan hadba iska soo buuxiya xaflada madaxweynuhu ka qayb galayo taas oo culays ku keenta goobta xafaladu ka socoto iyo madaxweynahaba iyaga oo had iyo jeer dhaqan ay u tahay inay u baratamaan marka uu gaadiidku socdo in mid walba uu noqdo ka ku xiga gaadhiga madaxweynaha, taasoo keeni karta shilal.

 


  Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Degaanno Ka Tirsan Gobolka Awdal 

Boorama, June 11, 2008 (Haatuf) – Muwaadin reer Somaliland ah, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Gobolka Awdal, C/laahi Xaashi Abiib, fadhigiisuna yahay dalka Maraykanka, ayaa deeq cunto ah gaadhsiiyey dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay roobabkii barafka watay iyo abaarigii ka dambeeyey ee ka dhacay gobolka Awdal sannadkii hore.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, deeqdan cuntada ah oo labadii ama saddexdii maalmood ee u dambaysayba loo qaybiyey dadka ku nool tulooyin hoos yimaadda degaanada Baki, Saylac iyo Boorama, ayaa waxay ka koobnayd bariis, daqiiq, digir, heed la shiiday ee loo yaqaan Boorish, maacuun, iyo waxyaalo carruurtu ku ciyaaraan, ayaa waxa degaanadaasi gaadhsiiyey ama u qaybiyey xildhibaann Abiib C/raxamaan Good oo ka tirsan golaha wakiilada, laganasoo doortay Gobolka Awdal, iyo Yaasiin Jaamac, kuwaasoo muwaadinkaasi usoo wakiishay.

Goobaha ugu darraa ee ay cuntadaasi gaadhsiiyeen ayaa waxay kala ahaayeen degaanada hoos yimaada magaalada fardo lagu-xidh, Fadhixun, carroweyne, carrawareen, xamarta, xoorray, iyo qaybo ka tairsana magaalada Boorama.

Guud ahaan goobaaasi dadweynaha looguqaybinayey raashinkaasi wakhtigan sicirbabarka dhinaca cuntada quutakldaruurigu hadheeyey dalka, ayaa warbixin ku saabsan laga bixiyay qaabkii loo keenay cuntadaasi, dadka loogu talogalay iyo baahiyaha yaalla sidaan loogu dhammaystiri karayn. Waxa dadkaasi halkaa hadal uga jeediayey xildhibaan Abiib Cabdiraxamaan Good isagoo mar walba dadka xusuusinayey sida wakhtigu u adagyahay ee aan ilaahay mooyee anay cid kale u baahitirikarayn dadweynaha, sidaa darteedna wixii habdba loo keeno ay si walaalnimo ah u qaybsadaan, qoysba qoyska uu ka liitana ugu sed kordhiyaan.

Duqaytidii iyo guddiyadii tuulooyinkaasi iyo magaalooyinka kale ee cuntada loo qaybinayey ku sugnayd ayaa dhinaca kale waxay C/laahi Xaashi abiib uga mahadceliyeen sida uu dalkiisa iyo dadkiisa baahan usoo xusuustay wakhtigan adag, sidaa darteedna ay isaga iyo intii arrintaa isku xilsaartayba ugu ducaynayaan in Ilaahay ka siiyo xasanaad. Odayada iyo madaxdhaqamedyada ka wakiilka ahaa dadweynaha dhulkaasi ee abaaraha iyo roobabkii barafku waxyeeleeyeen, ayaa dhinaca kale waxay cabasho ka muujinayeen sidii loola garab maray qaar ka amid ah cuntooyinkii deeqda ahaa ee dhulkaasi loosoo diray wakhtigii dhibtu taagnayd isla markaana goobaha qaar loogu celceliyey qaybinta deeqqihii waagaasi ee ay qaarkood daladdu maamaulaysay, qaarna ay maamulayeen hay'adaha samafalka caalamiga ah sida WFP iyo, unicef oo kale, sidaa darteedna loo baahanyahay in lagu noqdo meesha ay mareen deeqqihii cuntada ahaa ee waagaasi ay waayeen. Guddida odayaaha ah ee tuulada Fadhixun, ayaa iyagu wakhtigan ka cabanayey xanuunno ku dhaca xoolaha, sidaa darteedna ay xildhibeenka ka codsadeen inuu daladda u weydiiyo cid aqoon u leh daaweynta xoolaha, iyadoo dhinaca kale xildhibeenku ku wargeliyey xoolaha dhaqatada inay sugaan dhakhaatir xoolaha oo uu ku sheegay inaya haatan usoo diyaargaroobayaan tallalka xoolaha ku dhaqan degaanada xeebaha galbeedka iyo woqooyiga ee Gobolka Awdal.

Deeqadan ayaa ah tii ugu horreysay ee muwaadin u dhashay gobolkan awdal ama Somaliland gud ahaanba uu iskii iskaga xilsaaro.
 


  Madaxda Xisbiyada Qaranka Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Maanta U Kicitimaya Dalka Kenya 

Waxaa La Filayaa Inay Maalinta Jimcaha Kulan Ballaadhan La Yeeshaan Deeq-Bixiyeyaasha

Hargeysa, June 11, 2008 (Haatuf) – Madaxda xisbiyada siyaasadda iyo komishanka dooraashooyinka qaranka ayaa maanta u ambabaxaya xagaa iyo dalka Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan wakiilada dalalka deeqda bixiya ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo geedi socodka hanaanka dimoqraadiyada.

Waftigan oo ka kooban madaxda saddexda xisbi qaran iyo xubnaha komishanka doorashooyinka ayaa waxay ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay wada hadalo ula yeelan lahaayeen deeq bixiyayaasha ka dib markii ay wadamada deeqda bixiyaa jojiyeen dhamaan mucaawinadii ay ka gaysan jireen doorashooyinka somaliland taas oo ka dambaysay markii ay dibu dhac ku yimid doorashooyinkii isla markaana uu khilaaf dhinaca siyaasada ahi soo kala dhex galay xukuumada Riyaale iyo xisbiyada mucaaridka ah iyo wakiilada dalalka deeqda bixiya.

Waftigan ayaa waxa la filayaa maalinta Jimacaha soo socda inay la kulmaan xunaha magaalada Nairobi ee deeq bixiyayaasha waxanay hordhigi doonaan heshiiska lagu soo afjaray khilaafaadkii u dhexeeyay axsaabta mucaaridka iyo xukuumada Riyaale isla markaana ay si wada jir ah uga codsan doonaan sidii loogu sii dayn lahaa kharashaadkii doorashooyinka Somaliland ee ay dhawaanta joojiyeen inay bixiyaan, si komishanka doorashooyinku u bilaabo hawlihii laga sugayo ee la xidhidha doorashooyinka Somaliland iyo inay ku qanciyaan wadamada deeqda bixiya dhinaca Somaliland wax khilaaf ahi ka jirin.

Wafigan maanta dalka ka ambabaxaya ayaa waxa ka mid ah gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xoghayaha xisbiga UDUB Mr Bulaale, xubnaha guddiga doorashooyinka, iyadoo uu ka sii horaeeyay waftigan gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil {Kabo-Wayne}.
 


  Xasan Daahir Aways Oo Heshiiskii Dhexmaray Isbahaysiga Asmara Iyo Dawladda Mbagathi Ku Tilmaamay Mid Aan La Aqbali Karin  

Hargeysa, June 11, 2008 (W.Wararka) – Sheekh Xasan Daahir Aways oo heshiiskaa ku tilmaamay mid aan macno badan samaynayn, taas oo uu sheegay in raga uga qaban galay ayna matalin isbahaysiga dib u horaynta.

Sheekh Xasan Daahir Aways oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha shuurada ee maxaakiimtii Islaamiga, isla markaana hadda xubin ka ah isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya ayaa heshiiskii ay xukuumada Mbagathi iyo isbahaysiga dib u xorayntu ku gaadheen Djibouti ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.

Sheekhu mar uu ka hadlayey ragga isbahaysiga u saxeexay Heshiiska Djibouti lagu gaadhay sida uu u arko, ayaa waxa uu sheegay in aanay raggaas isbahaysigu diran, isla markaana qolada soo diyaarisay heshiiskani ay ula jeedeen sidii loo kala jabin lahaa isbahaysiga dib u xoraynta.

Sheekh Aways waxaa uu intaa ku daray in aanu mucaarid ahayn ee uu yahay qof gobonimo doon ah oo gurigiisa ka saaraya cadow ku soo duulay.
Sheekhu isaga oo heshiiskaa ka dayrinaya waxaa uu yidhi “heshiiska waxaa ku qoran in marka ay ciidamada UN-tu yimaadaan ay dawlada Mbagathi ka codsato Itoobiya inay Somaliya ka baxdo, taasina maaha mid caqli gal ah oo la qaadan karo.”
Waxaa uu intaa ku daray in ay dagaalka sii wadi doonaan ilaa inta ay dalka ka baxayaan ciidamada Itoobiya.

Waxaanu Sheekh Aways ku tilmaamay raga heshiiska saxeexay ee isbahaysiga ka tirsani in la khiyaameeyey, isla markaana ayna matalin isbahaysiga.

 


   “Biyo Yaraanta Berbera Waa Mid Uu Sabab U Yahay Maareeyaha Biyuhu”
Xil Cabdale Kidaare –Golaha Degaanka Berbera

Berbera, June 11, 2008 (Haatuf) – Xil. Cabdalle Jaamac Guuleed (Cabdale Kidaarre) ayaa sheegay in biyo yaraan mudaba ka jirtay badi magaalada Berbera Gaar ahaana waqtigan oo ay ku jirto marxalada xagaaga in aanay ahayn sababta biyo yaraantaasi jirtaa mid ay keentay duruuf dhaqaale balse ay tahay mid uu u sabab yahay maareeyaha WAKAALADDA biyaha Berbera, isla markaana waxa uu ugu baaqay golaha degaanka iyo cidii kale ee la wadaagta wax ka ogaanshaha nidaamka wakaaladaba inay si degdega uga howl galaan wax ka qabashada arinta wakaaladda biyaha iyo maamulkeedda si looga hortagao dhibaato biyo la,aaneed oo soo food saarta magaalo xeebeedda Berbera.

Sidaana waxa uu xildhibaanku ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay maalintii shalay weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil Axmed Aadan Dheere, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan;
“mudaba waxa siweyn looga qaylinayey biyo yaraan ka taagan waqtigan xagaaga ah inta badan magaaladda Berbera, hadaba waxa is weydiin mudan arinta biya yaraanta Berbera ka taaagani ma mid duruuf dhaqaale darro keentaybaa mise arintu sidaa wey ka duwan tahay ? si hadaba aynu u helo jawaabta su’aashaasi bal aan dib u milicsano wakaalada iyo xiliyadii ka horeeyay maamulka waqtigan majaraha u haya nidaamka wakaalada biyaha berbera waxa xaqiiq ah oo dhacday in ay xiligii uu wakaaldda mmeereeyaha ka ahaa ninka mooge la yidhaahdaa oo aan filayo inuu kan maanta maareeyaha ka ah kii ku afar ahaa noqonayo marka dib loo tiriyo in ay fadhiisteen matooradda biyaha kasoo saara ceelasha Fara-deero, kadibna uu kiraystay mooge matoor ay lahayd shirkaddii laydhka ee BEE kaas oo maalintii lagaga kireeyay wakaaladda $50 (konton Dolar) si uu magaalada ugu waraabiyo waxaana wakaaldu dakhligeeda ka bixinaysay kirada matoorkaas iyo weliba shidaalkiisa mana jirin wax kaba oo haba yaraatee cidi siin jirtay waxa xusid mudan in aan marnaba la maqli jirin wax cabasho ah iyo qaylo dhaanta uu caadada ka dhigtay maareeyaha waqtigan wakaaldda joogaa wakaalddu waa tii daboolanaysa culaysyadaasi hadaba waxa xaqiiq ah maanta oo ay ceelashii faradeero yaalaan matooro cusub oo lagaba yaabo inay ka kharash yar yihiin kaas kirada ahaa murana kuma jiro in wakaaldu isbixinayso arinta odhanaysa shidaalbaa loo waayey oo siodaas darteedbaa biya yaraanta keenatay waxaan u arkaa mid aan lagu qanci Karin wxaana loo baahan yahay si loo bad baadiyon wakaalda loogana hortago dhibaato biyo la. Aaneed oo ta maanta ka jirta magaalada kasii balaadhan in ay golaha degaanka ee sharcyan ay hoostagto wakaaladu sida ku cad xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xr Lam 23 Xubintiisa Saghaalaad qodobka 71 aad, iyo cidii kale ee la wadaagtaaba ay si deg deg ah uga howl galaan wax ka qabashada arinta wakaaladda Biyaha Berbera iyo Maareeyaha aan cid uu xisaab celin siiyaaba jirin ee tan iyo maalintuu xilka qabtay qaylo dhaanta xaqiiqadda ka fog caadada ka dhigtay.
 

Top


   Kenya: Shirkad Isgaadhsiin Ah Oo Habeen Telefoonadeeda Lacag La’aan ka Dhigta

Dad badan oo reer Kenya ah ayaa fiidka hore marka la gaadho Bakhtiiya telefoonada gacanta lagu qaato ee loo yaqaan (Mobile) ka dib markii ay shirkada ugu weyn dalkaasi dhinaca telefoonadu ay lacagta telefoonada lagu hadlo saacadaha fiidka ka dhigtay lacag la’aan.

Shirkada telefoonada ugu weyn dalka Kenya ee loo yaqaan Safaricom ayaa bilowday bishan June iney habeen kasta marka la gaadho 11 Caweysnimo ay telefoonada gacanta ka dhigtay lacag la’aan (free).

Shirkada isgaadhsiinta ee safaricom ayaa waxay soo saartay todobaad yadan Barmaamuj Cusub oo ah in qof kasta oo sita telefoonka gacanta ee loo yaqaan mobileka isticmaalana lambarka shirkada, maalintiina ku shubta lacag gaadhaysa 100shiling laga isticmaalo dalka Kenya, una dhiganta ilaa iyo hal dollar iyo badh.

Lacagtaas ayaa qofku uu telefoonkiisa ku shubanayaa maalintii inta laga gaadhayo 6-maqribnimo kadib marka ay saacadu gaadho 11 cawaysnimo ayaa telefoonku hadalkiisu u noqonayaa lacag la’aan, iyadoo qofkaas aan wax lacag ah lagu qorayn oo uu si bilaasha inta uu doonayo uu u halyaya, balse dalka Kenya iyo deegaanada ku xeeran ee uu khadka safaricom ka shaqeeyo lacag la’aan laguma wici karaayo oo qorshaha shirkadu soo saartay kama mid aha in lala hadlo dalalka kale ee aduunka ku yaala.

Arrintan isticmaalka lacag la’aanta ee habeenkii ka bilaabantay dalka Kenya ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey dadka dhalinyarta ah gabdho iyo wiilalba ayaa marka la gaadho wakhtiga lacag la’aanta ah ayaa bilaabaya garaacid aan joogsi lahayn oo ay iskula haasaawayaan, mararka qaar ayaa dhalinyaradani marka ay waayaan qof ay yaqaanaan oo ay la hadlaan ayaa waxa ay ku nasiibiyaan lambaro ay maskaxdooda ka deenaan oo aaney wax aqoon ah u lahayn dhacdana iney dadka waawayn iyo kuwa dhexeba ay hurdada ka toosiyaan.

Ka dib markii ay safaricom laga la’aan ka dhigtay telefoonka ayaa waxaa ilaa xad batay garaacidii ama diridii telefoonada ee dhalinyarta ayaa dad badan oo maalintii shaqeeya waxay ku kaliftay iney telefoonadooda xidhaan oo ay iska xareeyaan wixii ka dambeeya 11ka ma 5-ta saac hadba sida aad u taqaan ee fiidnimo oo ah wakhtiga habeen kasta dalka Kenya telefoonada lacag la’aanta laga dhigo.
Shirkada isgaadhsiinta ee Safaricom ayaan la ogayn sababta ay qorshahan wakhtiga qaar uu Telefoonku u yahay lacag la’aan, balse madaxda shirkada ayaa sheegay in shirkada ay soo gadhay faa’iido badan oo aaney filayn aadna ugu faraxsan yihiin, guud ahaan dhalinyarada dalka Kenya ayaa aad ugu hadla telefoonada wakhtiyada lacag la’aanta ah.

Dhalinyarada Somalida ee ku nool dalkan Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi ayaa habeenkii marka la gaadho ayaad waxaad ku arkaysaa wadooyinka waawayn ee magaalada iyagoo telefoonka ku hadlaya dhagahan ku wada haya, sheekooyin kala duwana is waydaarsanaya.
 


 Sheeko: “Danle Iyo Dalmar, Dadku Waa Saddex”   

Sayid Maxamed Yuusuf - Q: 3-aad

Danle: Haayoo waa Saddex. Miyaad la yaabtay?
Dalmar: Haa waan la yaabay, waayo waxa aan ogaa dee in ay u badan yihiin SNMtii.
Danle: Waar SNMta lafteedaa Saddex ahayd ee miyaanaad la soconba, sowdigii odhan jiray waxa aan ka mid ahaa qoladii Sucuudiga lacagta bixin jirtay, ee weliba halganka ugu weyn ku jiray.
Dalmar: Waar imminka aniga ha igu soo jeesane sheekada ii wad. Geed dhan baan kuu soo qaaday oo afartan kun waxba la iigama soo celin aniguna siddeed kun baan cunayaa, sida kale waa iska Oolraydhe, jaadka duntan adag ee lagu soo xidhay waa maxay. Jaadkii Hereriga ee aanu naqaannayba kani maaha, Weligay Jaad dun lagu xidhay maan arag.
Danle: Waar Jaadka aad cunaysaa dee maaha kii aad taqaannay.
Dalmar: Oo haddaa waa maxay?
Danle: Waa Kuruus.
Dalmar: Yaab iyo amankaag, waar maxaad tidhi? Oo geedka ayaan la yaabannaye, waa maxay magacanina.
Danle: Waar iska dhaafoo, sheekada ma kuu dhammeeyaa?
Dalmar: Haa, waar ii wad oo Mucaaradka qoladii aad tidhi dibedda ayaa laga soo galaa, iyagana waad iigu noqon doontaaye, bal qoladan intabadan xiiqsan ee marna aad mooddo in ay kursiga durduro ku fadhiisanayaan, marmarka qaarna taxatka ayay tagaan oo waxa aad odhanaysaa qoladan Kursigu ka dheer. Waase kuwa iigu dhow ee bal warka ii balballaadhi.
Danle: Dee Walaal adigii baaba hadalbatay, ma markay mijini kugu tagtay ayaad afrogantay. Waar qoladan Mucaaradka ee doorashadii horena sigay, waa Saddex. Qayb ku timaadda beel, oo iyagu odayga hoggaamiya kama baqaane, mana baryaane waxa ay ugu hanjabaan taageerada ayaanu kaala noqondoonnaa. Dhankaasi waa Beelaysantahay, oo weliba reer Qudhac iyo reer Qansax iyo reer Maraa ayaa lagu xantaa in ay u badanyihiin. Qaybta labaad, waa SNMtii oo qubane ah.
Dalmar: Maxaad uga jeeddaa SNM oo qubane ah?
Danle: Dee SNMtu waxay ahaan jirtay kooxo, aan ka-sii xasuusto Shiish, Khaakh, Calan Cas, Gaasdhegoole, Jimce-raac, Salaasadii iyo Iskaqaate qorifaqash. Sow intaaba maad ogayn, waa intii oo rubucba meel laga soo qaaday. Qaybta saddexaadna waa afmiishaarkii horeba aan kuugu sheegay ee Dawladdaba cidhiidh-sanjiray baa qoladanna afmiishaarnimo ku haysta, waxba ma qabto ee dadka ayuu u kala dabqaadaa, oo waa afkuxoogle. Ma fahantay?
Dalmar: Waar bal biyahaa ii dhiib, waxba ma aan fahmine. Maxaan fahmaa SNM tii 17 sannadood ka hor dalka xoraysay baad maanta leedahay Xisbi bay ku jiraan. Waar ninyahaw annagu dibedaha sheekadaa kuma hayno. NSS iyo SNM toonna ma hayno, ee bal iigu noqo Mucaaradka kale ee aad sida yar igu dhaafisay, malaa kaasaabay ka dhowdahaye, waayo inta badan hoggoomiyahoodu wuu noo yimaaddaa waa nin aad iyo aad u firfircoon.
Danle: Dee haa sowtaan ku idhi, Mucaaradkaas dibedaha ayaa laga soo gala, ee dalkaba lagama galo. Balse aan kuu sii sarrifee iyaguna waa Saddex. Qaybta hore cidiba kuma haysato waa Dibadyaal miidhan, ilaa hoggaamiyaha ku xigeenka iyo tiirarka uu ku taaganyahayba waa qurba joog. Qaybta labaad waa koox ka kooban Mucaaradkii hore iyo Dawladda oo soo duday oo iyaga soo galay. Si fiican baanay u soo dhoweeyaan. Qaybta Saddexaadna waa Afmiishaarkii, oo isaga lagama lugbaxo, waa jirjirroole.
Dalmar. Oo waxa aan ku weydiiyey qoladan danbe waad ka reebtay beelihii. Miyaanay iyaguna beeluhu lug ku lahayn?
Danle: Maya Mucaardkan danbe ee qurba joogga ah, beelaha boos ugama bannaana. Oo waa sababta uu la hagaasay, haddii beeluhu ku hirdamayaan sida Dawladda iyo Mucaaradkii hore, wuu soo kici lahaa. Waxa kaloo laga raacay, berigii ugu horraysay buu yidhi, waanu joojinaynaa qaadka.
Dalmar: Qaadka…aa.. oo wuu qaldamaye, ma cid la talisuu waayey. Ma qaadka aynu tashanayno . Maanta haddaanuu qaad oollin miyaynu isuba iman lahayn. Ma kaasuu joojiyey. Waar ilaahay runta sheega buu yidhi, wallaahi in kaa la doortaabay ahayd. Bal day 48 000 ayaan maanta bixiyey oo sigaarkii dheeryahay, oo meel uu inoo buuxiyeyna ma jirto. Islaantii inoo eddedada ahayd markii ay shalay ii timi, waadigii igu yidho 15 000 ayaa ku filan, in aan iyada siiyaabaa ii dhaantay. Waar anigu kaasaan ku biirayaa.
Danle: Waar bal eega Bacalluul, oo ma lacagtii baad xasuusatay. Gacan adayg baad ugu biiraysaa, ee wanaag kaama aha. Waxa aanse ku weydiiyey sheekadii maxaad ka fahantay?
Dalmar: Waxbadan kamaan fahmin, waxa aan keliya ka fahmay. Dawladda waxa u badan qoladii Eeryaldheerayaashii aynu ka baqan jirnay berigii siddeetamaadkii. Mucaaradkuna maba habaysna, marhaddii SNM oo beri hore ku heshiisay in aanay weligeed heshiin ay u badanyihiin, dee in badan baa ka yaaci doonta. Xisbigan qaadka joojinaya ayaa loogu qaatay, waxaanse isleeyahay dadkan aan arkaa qaadka cid ka joojinaysa ma jecla. Waar ninyahaw waxa aad iiga warrantaa qoladii la mamnuucay ee albaabkaba laga furi waayay?
Danle: Ma Qaran. Waar qoladaasi sharci bay ku taagnaayeen, laakiin dee beelihii bay ku adkaatay in ay kolba meel u cararaan.
Dalmar: Waar waxa aan ku weydiiyey, miyeynaan qaadan nidaamka Xisbiyada badan. Waa maxay beelo ayuun-baad hadal haysaaye.
Danle: Oo dee ma aniga uunbaa, Dawladu beel bay hadal haysaa, Madaxweynuhu beel buu wax ku qaybiyaa, Mucaaradku Beelahay la shiraan.
Dalmar: oo Sideebuu madaxweynuhu beel u hadal hayaa?
Danle: Waar dee warkaygiiba kuumuu dhicin. Sowtii aan ku idhi beesha innoogu xigta ayaynu booska ka saaraynaa, marka aynu rabno in aynu dawladda wax ku yeelanno. Haddii uu manta ka qaado xilka Wasiir, wuxuu soo raadinayaa mid ay isku yihiin reer Qudhac.
Dalmar: Oo sow markaa booska Madaxweynahana ku wareejin maayo mid reer Qudhac ah.
Danle: Waar waan ku arkaa oo bahalkii si fiican buu kuu gaadhay, oo waadigan is dhexyaacaye, ee maxaad talo haysaa?
Dalmar: Talo ma hayo, waayo waxan aad iiga warrantay ma aha wixii aan filayay, waa maxay ummadan weli dhexfadhida NSS; SNM, ReerQudhac, Beesheenna, iwm. Miyaan horeba loo marayn 17 sannadood ayaynu dedaal ku jirnay oo aanu qurbahana xoolo wixii aanu haynay ka soo diraynay, maxaa inna fadhiisiyey bartii aynu 100 sannadood ka hor joognay. Waar waxanba iga daa oo aan si shaqsi ah u xoogsado’e bal dhanka baayacmushtariga iiga warran.
Danle: Ma dhanka ganacsiga. Dadka ganacsiga ku jira iyaguna waa Saddex:
Dalmar: Yaa. Ma iyaguna, haye....
La soco qaybta ugu danbaysa
Sweden

 


  Wefti Ka Socda Guurtida Oo Hawlo Nabad-Raadin Iyo Turxaan Bixinta Garaadada Sool Ugu Anbabaxay Laas-caanood

Saleebaan Gaal golahayagii guurtida wuxuu yidhi Hargeysa ilaa Laascaanood lugeeya. Md. Obsiiye

Hargeysa, June 11, 2008 (Haatuf) – Wefti golaha guurtida ka socda oo nabad raadin iyo turxaan bixinta beelaha reer sool u socda ayaa maalintii shalay u amababaxay magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood taas oo la filayana in wada xaajood iyo wada hadal ay la soo yeelan doonaan garaadada iyo madax-dhaqameedyada reer Sool oo awal hore dhinaca maamul goboleedka Puntland taageersanaa, balse la filayo in todobaadkan ay ku soo guryo noqdaan magaalada Laascaanood, ka dib markii la sheegay in xidhiidh dhex maray xubno ka tirsan golaha guurtida oo todobaadkii hore iyagu u ambabaxay deegaanadaasi.

Sida ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen waxa kharashka safarkaasi oo dhan lacag gaadhaysa $30,000 dollar oo ku bqaxaysa nabadaynta golaha guurtidu ugu ambabaxay laga soo qaaday hay’ada DRC, taas oo la sheegay in xoghayaha golaha guurtida C/laahi Dheere mashruucaasi uu ka soo diyaariyey, balse $900 dollar oo kirada gaadiidka waftigaasi iyo $4500 dollar oo xubnaha waftigasi oo ka kooban 15 xubnood Sahay loo siiyey midkiiba lacag dhan $300, iyada oo lacagta inta ka hadhay uu ka soo gaadhay Gudoomiyaha golaha guurtidu Md. Saleebaan Maxamuud Aadan la sheegay in uu isagu gacanta ku hayo waxaana lagu macanaynayaa in shirwaynaha beelaha reer Sool lagu turxaan bixinayo,taas oo wajiga labaad ee mashruucasi oo shirweyne lagu qabanayo Magaalada Laascaanood ay hay’ada DRC ay balan qaaday kharashka ku baxaya inay iyadu maalgalinayso.

Gudoomiyaha waftigaasi golaha guurtida hogaaminaya Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo shalay subax ka hor intii aanu ka amababixin aanu wax kaga waydiinay safarkoodaasi ayaa isaga oo arintan ka hadlaya waxa uu yidhi “ Ujeeddada socdaalkayagu waa nabadayn oo beelo is yara khilaafay oo deegaanada reer Laascaanood ka soo jeeda ayaa nabadayn iyo turxaan bixin ugu baxaynaa, Waftigayaguna waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo ka tirsan golaha guurtida muddada noo qorshaysan in aanu halkaasi ku maqnaanaana waa 15 maalmood in ay hawshu intaasi ka sii badatana waa laga yaabaa.

S: ma laga yaabaa garaadadii iyo madaxdhaqameedyadii reer Sool oo xaga Puntland jiray aad kulano iyo xidhiidho la samaysaan muddada aad laascaanood joogtaan?
J: Runtii waxaa nalooo sheegay in xagaasi ka soo quusteen waana laga yaabaa in aanu kulano la yeelano kolaybana isha aanu ku aragno ayaanu kaga tallo gali doonaa.

S: wax xidhiidha ma la sii samayseen salaadiinta, garaadada iyo beelaha reer Sool ee aad turxaan bixinaysaan?
J: xubno ka tirsan golaha guurtida ayaa hore ugu sii maqnaa Laascaanood anaguna waanu ka daba tagaynaa.
Md. Axmed Muuse Obsiiye oo aanu arrintaa lacagta ah aanu wax ka waydiinay ayaa isagu noo sheegay in $25,000 loo sheegay in laga soo qaaday hay’adaasi sidaa darteedna aaney garanaynin marka laga reebo kirada gaadiidka iyo sahayda waftigooda la siiyey lacagta kale halka ay ku baxday, mar uu shalay duhurkii khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Haatuf isagoo ku sugnaa tuulada Oog, ayaa waxa uu sheegay in xubnihii waftigooda oo gaadhi Bas ah la socda uu kaga cadilmay degmada Sheekh, isaga iyo xildhibaano kalena ay ka kaxaysteen magaalada Burco gaadhi Land Cruiser ah isaga oo arintan ka hadlayana waxa uu yidhi “ Xubnihii waftigayaga ee saaka ka soo ambabaxay Caasimada oo guddoomiyihii waftigayaga hogaaminayeyna ku jiro waxa uu gaadhigii kula jabay degmada Sheekh, Saleebaan Gaalna waxa uu nagu yidhi Guurtidu ha lugayso Hargeysa ilaa Laascaanood, intaa ka dib aniga iyo laba xildhibaan oo kale waxaanu gaadhi ka kaxaysanay magaalada Burco, haddana waxaanu ku suganahay Laascaanood.”

Md. Maxamuud Xareed Rooble oo isagu ka mid ahaa waftiga la sheegay in uu gaadhigu kaga cadil may degmada Sheekh oo isaga iyo xubnihii waftigu ay ku sugnaayeen magaalada Burco ayaa khadka telefoonka noogu sheegay in saaka subax xubnaha waftigoodu ay ka amababixi doonaan magaalada Burco, una safri doonaan magaalada Laascaanood.

“Heshiiska Ay Xisbiyadu Galeen Waa Mid Sharciga Ka Baxsan Oo Dano Gaar Ah Laga Leeyahay”
Cabdiraxmaan Maxamed, Musharax Madaxweyne Madaxbanaan

 


  Wakiilada Oo Duuduub Ku Ansixiyey Wax-Ka-Bedelka Xeerka Diiwaan-Galinta

Hargeyasa, Jun, 11, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii shalay duuduub iyo bilaa dood ku ansixiyey qodobada xeerka diiwaan-galinta ee uu Madaxweyne Rayaale sida ku meel gaadhka ah uu soo laalay ee Xeer Lr.37-2007 qodobadaas oo dhaqan gal ahaa balse uu lifaaq wax ka badal ku soo sameeyey Qodobka 7aad farqadiisa 4aad, Qodobka 8aad farqada 1aad iyo 9aad, Qodobka 10aad farqadiisa 4aad, Qodobka 12aad farqadiisa 1aad iyo 2aad, Qodobka 13aad iyo 14aad Xarfahooda T-J, Qodobka 18aad 22aad 23aad farqadiisa 1aad, Qodobka 27aad 28aad, Qodobka 31aad. Kuwaas oo uu ku soo sababeeyey si ay hawsha diiwaan-galintu ay u hirgasho ulana jaan qaado doorashooyinka madaxtooyada iyo deegaanka ka dib markii ay saddexda xisbi ku soo heshiiyeen in qodobadaasi wax ka badal lagu sameeyo kadibna uu Madaxweyne Rayaale todobaadkan kal fadhi aan caadi ahayn golaha wakiilada iskugu yeedhay, isla markaana ugu soo gudbiyey lifaaq wax ka badalka xeerkaasi diiwaan-galinta cod bixiyayaasha oo uu ku tilmaamay inu si ku meel gaadha usoo laalay wakiiladana usoo jeediyey iney ansixiyaan.

Fadhiga shalay oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha golaha wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro oo ay ka soo xaadireen 44 Mudane ayaa waxaa ka hor Madasha fashigaasi Xoghayaha golaha wakiiladu Maxamed Xasan Kaahin uu ka akhriyey digreetooyinkii uu Madaxweyne Rayaale kalfadhiga aan caadiga ahayn isugu yeedhay golaha wakiilada iyo lifaaqii wax ka badalka xeerka diiwaan-galinta Cod bixiyayaasha oo dhawr iyo toban qodob uu isbadal ku meel gaadha ku soo sameeyey isla markaana uu sii laalay dhaqan galka qodobadaasi muddada ay doorashooyinku golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadu ka qabsoomayaan taas darteedna golaha wakiiladu u soo jeediyey in lifaaqa waxka badalka qodobada xeerka diiwaan-galinta ay ansixiyeen.

Intaa ka dib Gudoomiyaha gudida shuruucda C/raxmaan Cismaan Caalin o gudidiisu ay daraasad ku soo samaysay wax ka badalka uu Rayaale ku soo sameeyey xeerka Diiwaan-galinta codbixiyayaasha ayaa isagu warbixintii gudida shuruucda ku sheegay in wax ka badalka wax ka badalka xeerka diiwaan-galinta ay saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinka qaranka kulan gaara kala yeesheen sidaa darteedna ay kuqanceen jawaabtii ay ka bixiyeen Su’aalihii ay waydiiyeen.

Sidaa darteedna waxa ay gudida shuruucdu golaha u soo jeediyeen in wax ka badalka lifaaqa xeerka diiwaan-galinta sidiisa loo meel mariyo ansixintiisa isaga oo ku sababeeyey maslaxada dalka iyo heshiiskii sadexda xisbi ay iskula gaadheen qabsoomida diiwaan-galinta, Hasa yeeshee waxaa isag ka biyo diiday in bilaa dood lagu ansixiyo lifaaqa wax ka badalka Qodobada xeerka diiwaan-galinta codbixiyayaasha.
Md. Maxamed Nuur Caraale iyo Md. Ibraahin Mahdi Buubaa oo iyagu ku dooday in goluhu wax ka badal iyo kaabid ku sameeyo qaabka isbadalka ay xisbiyadu ugu soo sameeyeen xeerka diiwaangalinta, taasoo ay ku tilmaameen arin cawaaqib xun ku keenaysa diiwaangalinta muwaadiniinta.

Md. Caraale ayaa isagu ku dooday “ Waa in wax ka badalka xeerka laga saaro qodobka 8aad farqadiisa afraad oo dhigaya in muwaadinka goobta laga diiwaangaliyo hadhawna uu ka codayn doono.”

Md. Buubaa oo aanu wax ka waydiinay ansixinta waxka badalka xeerka ayaa isaguna soo jeediyey “Waxaanu doonaynay in wax ka badal qurux badan isbadalka soo jeedinta ah ee ay asxaabtu ku soo samaysay aanu ku samayno xeerka, dad badan oo u riyaaqsan ansixinta wax ka badalka xeerkan diiwaan galinta ayaa hadhaw ka qoomamayn doona.”

Intaa ka dib Gudoomiyaha wakiilada Md. C/raxmaan Ciro ayaa mudaneyaasha usoo jeediyey in duuduub lagu ansixiyo lifaaqa wax ka badalka iyo in wax ka badal iyo kaabid lagu soo sameeyo, sidaa darteedna waxaa cod aqlabiyada ku ogolaadeen in sidaa duuduub lagu ansixiyo 33 mudane, waxaa diiday 8 mudane laba mudanena way ka aamuseen, halkaasi ayaanu ansax ku noqday wax ka badalka qodobada xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha ee uu Rayaale sida ku meel gaadhka ah u soo laalay.
Gaba gabadii fadhigaasi ayuu Gudoomiye Ciro fadhigaasi kaga dhawaaqay in kalfadhigii aan caadiga ahayn ee labada maalmood uu ku jiray goluhu uu soo xidhmay sidaa darteena goluhu fasaxyahay.

Wefti Ka Socda Guurtida Oo Hawlo Nabad-Raadin Iyo Turxaan Bixinta Garaadada Sool Ugu Anbabaxay Laas-caanood
 


  Riyaale Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Qaybo Ka Mid Ah Waxbarashada  

“Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya wuxuu ii sheegay ardaydeena Dalkaas Wax Ka Barataa Inay yihiin kuwa ugu sareeya”

Hargeysa, June 11, 2008 (Haatuf) – Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa shahaado sharaf ku abaal marisay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada xafiiska iyo guddida Qaranka ee imtixaanaadka, masuuliyiinta waxbarashada ee gobolada, madaxda Hay’addaha caalamiga ah ee gacanta ka geysta hawlaha imtixaanaadka. Sidoo kale wasaaradu waxay abaal marin taas oo kale ah siisay Dugsiyadii iyo ardaydii ugu sareeyey celcelis ahaan imtixaanaadkii Dugsiyada H/Dhexe iyo sare ee dalka iyo Gobolada Somaliland oo dhan, waxaana abaal marinadaas dadka mutaystay gudoonsiiyay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Munaasibadan oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ay wasaaraddu Waxbarashadu qabato ayaa shalay lagu qabtay xarunta wasaarada ee Hargeysa, waxaana ka soo qaygalay xubno wasiiro ah, masuuliyiinta waxbarashada, guddida imtixaanaadka qaranka, saraakiil ka socotay hay’adaha AET iyo UNICEF, madaxdhaqameedyo iyo marti sharaf kale.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ay masuuliyiinta waxbarashadu sheegeen, inay tahay tii ugu horaysay ee dalka laga qabto, isla markaana ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo qiimeyn lahaa heerka waxbarasho, tayada arday iyo maamulka waxbarasho, si kii hawshiisa ka soo baxa lagu abaal mariyo, kii ay wax ka dhiman yihiina loo dhiiri geliyo, waxaanay masuuliyiinta waxbarashadu sheegeen in dadka abaalmarintan ku guulaysta ay ku mutaysteen daraasad iyo qiimayn lagu sameeyey 2006/2007 dugsiyada dalka oo dhan heerkasta oo ay leeyihiin, ka dibna ay ka soo baxeen dugsigii ugu dhibcaha sareeyey iyo ardaygii ugu imtixaan sareeyey, taas oo ay amaanteeda leeyihiin maamulka iyo ardayda ilaa heer gobol. Sidoo kale hawl-wadeenada imtixaanaadka qaranka ee iyana abaal marinta la gudoonsiiyey ayaa la sheegay inay ku mutaysteen dadaal iyo waxqabad ay muujiyeen, iyadoo imtixaanada ardayda dugsiyada laga qaadaa uu noqday mid xafidan oo heer caalami ah, waxaanay masuuliyiintii xafladaas ka hadashay ay dhamaantood amaan, hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyeen masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka, iyo weliba Hay’adda AET oo iyadu gacanta ugu weyn siisa imtixaanaadka iyo guud ahaan wasaarada waxbarashada.

Madaxweyne Riyaale oo munaasibaddaa hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland mar kasta ay ku dedaalayso waxbarashada da' yarta Somaliland iyo sidii ay kor ugu qaadi lahayd, isagoo xusay in ay dhawaan hay'adda SOS Burco ka hirgelin doonto dugsigii farsamada gacanta oo uu sheegay in lagu baran doono teknoolojiyada casriga ah iyo elektiroonikiska. Sidoo kale Daahir Riyaale waxa uu mahad naq u soo jeediyay xafiiska imtixaanaadka oo uu ku ammaanay in ay ilaaliyaan mar kasta tayada imtixaanaadka oo uu ku tilmaamay mid caalami ah oo tayadiisu sarayso, waxaanu taas u daliishaday in mar uu safar ku tegay dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay uu Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi u xaqiijiyay inay ardayda Somaliland marka laga qaado imtixaanaadka ay kaalmaha u horeeya ka galaan.

Daahir Riyaale waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi: “Marka hore aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa wasaarada waxbarashada iyo guud ahaanba bahweynta waxbrashada. Waad ogeydeen halkaynu tacliinta kasoo bilownay, mar laga ilaalin jiray dadku inay iskuulada jiingaha ka goostaan maantana halkay marayso waynu ognahay waa Al-xamdulilahi. Hay'ada AET ee imtixaanaadka gacanta ka geysta aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa iyada iyo shaqaalaheedaba. Waxbarashadan waa in aynu ku fikirnaa in nooca maanta wax loo bartaa ay tahay in Internet-ka inta badan wax laga barto, mar hore cid ayaanu la kaashanaynaa dugsiyada secondary-yada in aynu ku darno marka dambena la gaadhsiiyo dugsiyada hoose iyo dhexe waayo tacliintu maanta halkaasay ku jirtaa taana waxaa ka horaysa in macalinka laftiisa la baro. Qolooyinkiinan jaamacada waxaan ku boorinayaa in macalinku markastaba ka faa'idaysto waayo macalinka waxaasi yaqaana ayaa bixin karaya taana inaad culays saartaan rajo badan waan qabaa dad badan oo taa inaga caawinaya ayaa jira iyo haayadaba markaa inaad u diyaar garawno ayaa loo baahan yahay si wakhtiga ugu horeeya aan uga faa'idaysano, waxaa kale oo aan wasaarada u soo jeedin lahaa inay culayska saarto sidii loo badin lahaa dugsiyada farsamada waayo dadka secondray-ga ka baxay jaamacad ma wada heli karaan, farsamada gacanta ayaa qayb ka qaadan doonta horu marka dalka oo tiknoolajiyada la barto, waxaan idiinku bushaaraynayaa in qoladii SOS-na dugsigii Burco dhisayso oo ay dhowaana tagtay oo waliba ka dhigayso mid teknoolojiyada casriga ah lagu barto, elektiroonikiska oo kale, waxyaabo badan oo aan lagu baran jirin lagu barto qoladaasina halkaasay naga caawinaysaa, sannadkanina intaanu dhamaan ayay bilaabayaan. Itoobiya mar aan tagey rag badan oo injineernimo iyo dhakhtarnimo u tegay baa jira, Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya [Meles Zenawi] waxa uu ii sheegay ardaydeenu [wax ka barata wadankaas], in ay kuwa ugu sareeya imtixaanaadka yihiin ilaa 38 dal baa halkaa wax ka barta, kuwa hagaya ee imtixaanaadka nambarka ugu horeeya gala inay ardaydeena yihiin buu ii qiray, taana waxaan mahadeeda u celinayaa bahda waxbarashada iyo imtixaanaadka laga qaadayo oo ah ardayda imtixaanka laga qaado kuwa ugu sareeya, waxaanan ku amaanayaa wasaarada, imtixaanka iyo ragga kasoo shaqaynayay guud ahaanba masuuliyada xooga ah ee ay iska saareen sidii ay imtixaanaadka u ilaalin lahaayeen ee uu u noqon lahaa mid laga fiirsaday oo aan la xadin oo aanay suurtogalna u noqon hebel baa halkaa imtixaan ka helay iyo hebel baa xaday waxa kale oo aan aaminsanaha y in magacalin iyo ardaygaba lagu qiimeeyo maadada ma macalinkaa gudbin kari waayay markaa sidaad usoo dhigteen qiimayntan iyo abaalmarintanba waan arkayaa halkaad marinaysaan wixii kale ee qiimayn ah ee dhimana waxaan rajaynayaa mustaqbalka in aad ku dari doontaan."

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-weyne) oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay waajibaadka wasaarada waxbarashada iyo xilka ay ummadda u hayso waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Madaxweyne waxa maanta farxad weyn noo ah in aad nagala soo qayb-gashay xafladdan abaalmarinta heer qaran ah, oo muddadii 17-ka sannadood ahayd ee wasaaraddani dhisnayd aan hore uga dhicin dalka.

Waxa wasaaraddan waxbarashada loo igmaday hadba wixii karaankeeda inay adeeg hufan oo waxbarasho oo taabo gelin kara ubadka reer Somaliland ay ugu horseedo. Si xaaladdaa adag wasaarad ahaan aanu uga midho-dhalino waxaa nagu waajib ah in aanu daba-gal joogta ah ku samayno manhajka u ah muqararka ee ummadda u jaan-goysay ubadkeeda sida iyo qaabka ay dugsiyadu fulinayaan ujeedooyinkii laga lahaa. Haddaba si aanu u dhiirigelino dugsiyada dedaalay, kuwa kalena ugu tilmaano waxa ka dhiman ayaa xafiiska imtixaanaadka guud qiimeyn ku sameeyay natiijadii imtixaanaadka guud ee heer qaran (sida fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sare fasalka 4aad).

Waxa kale oo xafiisku dib u eegayey waxqabadyadii sannado dhawr ah la soo qabtay iyo masuuliyiintii ka qayb-qaatay kuwii ugu waxqabadka fiicnaa qaar ka mid ah oo halkan maanta abaalmarin lagu gudoonsiinayo.

Waxa kale oo xafiisku u mahadnaqayaa barayaal aqoon iyo ammaanba lahaa oo kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaatay hawlihii kala duwanaa ee muddada dheer ka socday xafiiska.

Sanad dugsiyeedkan 2006/2007 waxa si qoto-dheer loo lafa-guray natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee dalka (Fasalada 8aad iyo dugsiyada sare) taas oo ku salaysan heer dugsi iyo heer-gobol. Hore waxa ay dugsiyadu ku qiimaysnaayeen heer arday. Waxa tixgelinta lahaa ardayda ugu sareysa ama ardayga ugu sareeya imtixaanka dugsigiisa. Arrintaasi waxay buuxin wayday kaalinta looga baahan yahay qiimeynta waxbarasho ee looga gol leeyahay manhajkii ay qaateen ardaydu iyo waliba sida ay uga midha-dhaliyeen ama heerka dugsi waliba ama gobol waliba uu ka taagan yahay iyo kii laga rabay inuu gaadho marka sannad dugsiyeedku u dhammaado. Waayo ma ogaanayno meesha aan marayno haddii aanay jirin hal-beeg lagu cabbiro aqoontii la qaatay in la dhaqan galiyey ujeedooyinkii laga lahaa iyo in aanu ardaygeenu adeegsan karin xirfadihii loogu talo-galay.

Waxa kale oo weligood kala baxayn dugsiga ama gobolka fuliyey himilooyinkii waxbarasho ee aan higsanaynay iyo kii aan fulin. Sidaa awgeed sannadkan iyo wixii ka dambeeya waxa lagula xisaabtami doonaa dugsiga iyo gobolkaba in ay fuliyaan, gaadhsiiyaana ardayga nuxurka aqoonta ee manhajku xambaarsan yahay, iyaga oo hubinaaya ma gashay (ma fahmay) ardayga ama ardayadu fariintan aqooneed ee buugga iyo baruhu wadaan.

Sannadkan maamule iyo gudoomiye kastaa waxa uu sida muraayada iskaga dhex arki doonaa heerka iyo kaalinta uu ka galay dugsigiisu gobolka iyo guud ahaan dalkaba. Odhaah baa ahayd ‘nimaan dadka u mahadnaqin Allena uma mahadnaqo’. Waxaan halka uga mahad celinayaa dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada wasaaradda waxbarashada gaar ahaan shaqaalaha xafiiska imtixaanaadka, guddida imtixaanaadka qaranka iyo cidkasta oo ka qayb-qaadatay tayeynta iyo taabo gelinta xafiiska imitixaanaadka.

Waxaa kale oo aan si gaar ah ugu mahad celinayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka qaybqaata hawlaha imtixaanaadka dalka oo ay hormood u tahay hay’ada AET oo iyada la’aanteed aanay suurto gal noqoteen in la dhiso xafiiska imtixaanaadka qaranka.
Waxan kale oo aan halkan si gaar ah ugu xusayaa khubaradii waddaniga iyo ajaanibkaba lahayd ee u hawl gashay jiritaanka iyo taabo galinta xafiiska imtixaanaadka ee ay ka midka yihiin. Prof. Ean Luis, Dr. Michael Brophy, Dr. Rod Hicks iyo Prof. Suleymaan oo si gaar ah ugu kuur galay xaaladda imtixaanka, markii uu ku qancayna, isaga iyo hawlwadeenada jaamacadiisu ay u hor ictiraafeen shahaadadaha dugsiga sare taasi oo sababtay in maanta dalal badani ictiraafeen shahaadadeheena dugsiyada sare, sida: Itoobiya, Kenya, Ugandha, Sudan, Masar, Yemen iyo dalal kale oo aduunka ka mid ah.”

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Agaasimaha wasaarada waxbarashada oo warbixin ka siiyey madaxweynaha heerka ay waxbarashadu marayso Cali Cabdi Oodawaa, waxaanu sheegay in ay wasaarada waxbarashadu tahay ta ugu balaadhan ee dalka taas oo ka hawl gasha Lawcaddo ilaa Laasqoray, agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay in maanta da’yarta Somaliland 45% ay fursad u heshay in ay waxbarasho helaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay qorshaha ugu jirto in 2010/2011 ay 75% ay da’yartu fursad u heli doonto waxbarashada.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Daa’uud Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha xafiiska imtixaanada oo ka waramay marxaladihii kala duwaa ee xafiiska soo maray, waxaanu amaan usoo jeediyey hawlwadeenadii kala duwaa ee xafiiskaa ka oo shaqayeeyey, iyo kuwii ka horeeyeyba, Mr: Daa’uud waxaa uu k awaramay ujeedada abaal marintan loo sameeeyey taas oo uu sheegay in awalkii hore la qiimayn jiray kala saraynta ardayda imtixaanada, balse hadda ay sidan ugu bedeleen, sidii loo ogaan lahaa isla markaana loo qiimayn lahaa inay waxbarashada iyo isguulku wada socoto, taas darteed waxaanu ku guulaysanay in 2006/2007 in aanu samayno qiimaynta gobol walba, dugsiga kaalinta kowaad galay, iyo isguulka dalka oo dhan kaalinta koiwaad u galay. “"Anaga oo talooyin fara badan ka helay wasaarada waxbarashada waxaanu dhiirgelinay markii dambe in qiimeyn lagu sameeyo imtixaanaadkii dababdeedna la ogaado iskuulka iyo maamulku ma dabakhaa manhajkii qaranka inuu ardaygii wada gaadhay taana waxa lagu ogaan karaa oo kaliya in la sameeyo qiimayn oo lagu sameeyo natiijooyinkii imtixaanaadka si loo ogaado iskuulkee iyo gobolkee ayuu ahaa kii ugu fiicnaa ama ardaygii kaalinta koowaad galay iyo lixda gobolba gobolkee ugu sareeyay" ayuu yidhi Mr. Daa’uud.

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Prof. Saleebaan Axmed Guuleed Guddoomiyaha Jaamacada Camuud waxaanu ku hambalyeeyey xafiiska imtixaanaadka inay hawlshoodii si fiican uga soo baxayn, waxaanu hoosta ka xariiqay in muddadii uu hawsha ku soo jiray oo uu ku tilmaamay 40 sanno uu tobankii sannadood ee ugu dambeeyey kalsoonida uu ku qabo maanta xafiiska imtixaanaadka aanu hore u soo marin.

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Agaasime goboleedka AET Xasan Anbasii,oo ugu horeyn madaxweynaha iyo caalamkaba uga mahadnaqay, uguna hambalyeeyey heshiiskii ay gaadheen, isaga oo sheegay in waxbarashadu ku dhisan tahay nabadgelyada, horemarkeeduna la jaanqaadayo kolba nabadu siday tahay, Xasan waxaa kale oo uu sheegay in hay’adoodu ay muhiimada ugu badan ay siiso waxbarashada dadka waaweyn taas oo ilaa hadda dad tiradoodu gaadhayso 70,000 oo qof oo dad waaweyna ay waxbareen.

Agaasimaha mashruuca dugsiyada sare AET Dr. Rod Hicks ayaa isna hadal kooban uu halkaas ka jeediyay kaga waramay aasaaskii iyohorumarinta dugsiyada sare iyo xidhiidhka ka dhexeeya imtixaanaadka, waxaanu sheegay in sannadkii 1999-kii uu halkan ka bilaabay hawlshiisii taageerada wada shaqaynta ah, sagaalkaa sanadoodna uu ku dadaalayey sidii uu u caawin lahaa waxbarashada Dugsiyada sare.

Dr. Rod isaga oo khudbadiisa ku jeedinayey luuqada ingiriisiga, waxaa uuu yidhi iga raali ahaada khudbadayda waxaan ku jeedinayaa ingiriisi, sagaal sanadood ayaan ku dadaalayey in aan ka caawiyo dugsiyada sare, markaa maanta haddii la fahmi waayo luuqadayda waxay ka dhigan tahay in aan fashilmay.”

Dr. Rod waxaa uu walaac ka muujiyey heerka ay da’yarta haweenku ay fursad ugu helaan dugsiyada dawlada, waxaanu xusay in waagii uu yimid haweenka dhigta dugsiyada ay 20% , sagaal sanno ka dibna ay haweenka wax ka bartaa ay yihiin 21%, taas oo sheegay in uu aad uga xun yahay.

Sidoo kale waxaa isna halkaa hadalo ka jeediyey Eng: Xuseen Cilmi Warasame agaasihii hore ee wasaarada waxbarashada, kaas oo ka waramay kaalinta ay waalidku ka qaataan waxbarashada iyo doorka ay ku leeyihiin guddiga imtixaanaadku, waxaa kale oo uu ka waramay marxaladii ay bilowga ahayd ee wakhtigii uu joogay wasaarada waxbarashada, iyo heerka ay maanta marayso, waxaanu waxbarashada ku tilmaamay in ay waxbarashadu tahay heerka kaliya ee aynu aduunka wax kula qaybsan karno, isaga oo dhinaca kalana amaan u jeediyey masuuliyinta xafiiska imtixaanaadka iyo hawsha baaxada leh ee ay u hayaan Qaranka.

Gabagabadii munaasibadaas waxaa uu madaxweynuhu shahaado sharafeed abaalmarin ah gudoonsiiyey lixdii dugsi ee ugu heerka sareeyey celcelis ahaan dugsiyadii Hoose/dhexe iyo dugsiyada Sare ee dalka, iyo sidoo kale masuuliyiinta, shaqsiyaadkii ugu firfircoonaa, hay’adihii caaliga ahtaakulayn jiray wasaarada waxbarashada, maamulayashii dugsiyada, shaqaalaha mutawaciinka ahaa, gudoomiyeyaasha gobolada, gudoomiyeyaasha goobaha imtixaanaadka, ardaydii ugu sareeyey iyo guddida imtixaanaadka, shiyaad kale oo waxyaale kala duwan ku mutaystay, iyo labadii dugsi ee ugu dhicista yaraan 2005/2006.

 


  “Heshiiska Ay Xisbiyadu Galeen Waa Mid Sharciga Ka Baxsan Oo Dano Gaar Ah Laga Leeyahay”
Cabdiraxmaan Maxamed, Musharax Madaxweyne Madaxbanaa
n

Hargeysa, June 11, 2008 (Haatuf) – Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo ah muwaadin cadaystay musharax madaxweyne u yahay tartanka doorashooyinka madaxtinimada dalka ee soo socda ayaa aad u cambaareeyey qodobada heshiiska saddexda xisbi dhowaan ay kala saxeexdeen, isaga oo ku tilmaamay dhamaan qodobada heshiiska kuwa lagu jabinayo Dastuurka iyo xeerkii dakan lahaa, isla markaana dano gaar ah laga leeyahay.

Cabdiraxmaan waxaa u intaas ku daray in aanay haboonayn in sharciyada dalkan ku sifaynayey laga aqbalo oo loo jabiyo qodobo ka mid ah xeerarka Dastuurka Dalka cid dano aar ah leh.

Sidaana waxaa u ku sheegay warsaxaafadeed u xalay Haatuf soo gaadhsiiyey, waxaanu u qornaa sidatan:
Haddii aanu nahay murashixiinta madaxabaan ee diyaarka u ah in ay ka qayb galaan tartanka doorashada soo socota ee madaxweynenimo , waxaanu maanta halkan ka sheegaynaa aragtidayada ku waajahan heshiiska ay xisbiyada ku meel gaadhka ahi galeen, marka hore waxa aanu u aragnaa heshiiskaasi in uu yahay inqilaab dastuuriya, waxa aanu u aragnaa heshiis lidi ku ah Dastuurka iyo xeerarka ay soo saaraan xeerdajinta waxaan u aragnaa mid lagu burburinaayo qunyar socodka yo dimuqraadiyada uu dalkeenu lahaa oo ahayd kala danbeyntii iyo ku dhaqanka dastuurka, sidaa darteed 8-da qodob waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya gabi ahaantoodba Dastuurka dalka Somaliland haddii aanu eegno qodobada heshiiskan xafladaha uu dhigtay ee ay xisbiyadu farxada ka muujinaya waxaa ay u eeg tahay in uu meesha ku jiro qorshe meesha u dan ahayn, mida ugu layaabka badani waxaa weeyi xisbiyada sidii oo loo sharciyadeeyey ayey ku dhaqaaqeen in ay xaflado u dhigtaa taasina waa sharci daro, waana waxyaabihii lagu xidhaayey ururkii Qaran ee la yidhi xaflada sharci u soo qaata.

Waxyaabaha aynu raacayno haddii aynu u noqono dastuurka waxaa weeyi qodobka 28aad ee dastuurka waxaa uu cadaynayaa awoodaha xeer dejineed cidda leh, qodobkaasi firqadiisa 1aad waxa ku cad in awooda xeer dajinta Somaliland ay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba gole ee wakiilada iyo guurtida, waxaa kale oo uu cadaynayaa in aanay awooda xeerdejintu u wareegi karin cid kale oo ka baxsan labada gole, sidaa awgeed nimankan xisbiyada ee soo dejiyey xeerka way ku xadgudbeen qodobkaasi oo awood iyagu uma laha iyagoo ku meel gaadh ah in ay ku talaabsadaan heshiisyo ka hor imanaya dastuurka.

Haddii aan u baydhno xaga soo jeedinta xisbiyada miyey xaq u leeyihiin, maya weeye jawaabtu, sababta oo ah qodobka 74 ee dastuurka ayaa u qeexaya cidda xaqa u leh soo jeedinta waxaanu qodobkaasi joojinta mashruuca sharci u banaynayaa madaxweynaha labada gole iyo tiro shacbi oo dhan 5000 qof, meelnaba kagama jirto xisbiyo ayaa soo jeedinaya, hadaba halka ay awoodaa ka keeneen xisbiyadu ee ay heshiisyada sharci darada ah u maamulayaan ee ay dadka ku jaho wareerinayaan, halkee bay ka keeneen awooda intaa le’eg ee lagu bedelayo Dastuurka dalka, taana waxa aanu u aragnaa in ay dantooda gaarka ka raaceen oo sidaa ay iyaguba afkooda ka sheegeen ay tahay sidii ay ku qaadan lahaayeen lacag la yidhi doorasho ayaa laydinku siinayaa oo waxay tagayaan Nayroobi, markaa haddii dastuurka loo jebiyo lacag la soo qaadanayo waa qayral sharci.

Mida labaad waxa ayaan daro noqonatay marka xisbigii xukuumada hayay ee isagu masuulka uga ahaa ummadda in uu u ulaaliyo sharciga iyo dastuurka ayaa waxaa xoghayihiisu ku dhawaaqay shalay in ay heshiiskan ku keeneen ka dib markii ay dastuurkii laabeen, ee ay xeerkii laabeen, ee ay guurtidu yidhaahdeen ha na tusina mucaaridku in ay markaa dambe warqad cad inta ay u dhiibeen ay yidhaahdeen ku soo qorta waxaad doonaysaan oo ay waxaa ay ku soo qorteen ka ogolaadeen.

Waxa.a kale oo iyana la yaab ku noqotay madaxweynaha waa madaxweynihii dalka xisbi kasta ha ka soo baxee maaha hogaamiye xisbi, hase yeeshee waxaa uu markii ugu horaysay ee uu shirkii jaraa’id ee maalintii dhaweyd ku sheego madaxweynuhu in uu yahay gudoomiye xisbi taasina waxay u eg tahay muddadii loo dhaarinayey inay ka dhamaatay, wuxuu noqonayaa guddoomiye xisbi baan ahay buu iska dhigay.
Arinkaasina waxaa weeye masuuliyada dalka ma wada laha ee waxa iska leh ciddii qaranka loo dhaariyey, xisbiga UDUB iyo masuuliyiintiisana waxa aanu u qabnaa in arintaa loo hoos galiyey ama ay dan kale ka lahaayeen.

Mida kale maanta nimanka xisbiyada isku sheegay waa ku meel gaadh oo sharciyan waxay ka dhamaaatay 23 December 2007, waxayna ahayd in loo jidiidiyo qaabkii la doono ha loogu jidiidiyee, walina looma jidiidin, xeerka No 14 waxaa uu dhigayaa in ay ku meel gaadh noqonayaan markaa ay muddadaasi ka dhamaato, taasina waa mid u taala golayaasha xeer dejinta, mida kale qolyaha wakiiladu waa golihii xeer dejinta cid u dhaafi kartaa ma jirto, markaa haddii cid loo bedelaayo Dastuurka, baritoolana cid kalena waa loo bedeli doonaa, waxaana haboon waxaa xeerka ah iyo sharciyada in la dhawro oo sideeda lagu daayo, ta kale ee qodobadii heshiiska xisbiyada ka hor imanayaa waxaa weeye go’aankii golaha guurtidu dhawaan muddada madaxweynaha ugu kordhiyeen, waayo waxaa heshiiskaasi ku qoran waa in bisha April 2009 inta ka horaysa la qabtaa, markaa maxay 15-ka ugu beegi waayeen haddii aanay doonayn in ay jebiyaan xeerkii guurtidu soo saartay, waa maragmadoon in ay doonayaan in ay jabiyaan xeerkaasi guurtida.

Midhka gabagabada qoraalkayagan u ahi waxaa ay tahay oo aan odhan karaa, waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday qoliyihii wakiilada oo la yidhi maanta (shalay) ayey iyagana aqbaleen ama wada mariyeen qodobo ka mid ah heshiiskii xisbiyada oo ay noqotay in ay wakiilada ka ogolaadaan rabitaankii xisbiyada ee ahaa sharciga ha naloo jabiyo, anigu waxaa go’aankaasi golaha u aragnaa mid lagu degdegay oo noqon doonta wada furan oo ka dhigan in maalinba cidii doonta loo jabiyo sharcigii.

Ugu danbeyn waxa aanu ummadda reer Somaliland ku waaninaynaa in ay ka soo qaybgalaan musharaxnimada madaxa banaan, si aynu u badbaadino ummadeena loona helo hogaan wanaagsan, waxa kale oo aanu madaxda dalka ugu baaqaynaa in ay ku ekaadaan sharciga Dastuurka ee lagu muujiyey xeerkii dalka ee cid walba ka dhexeeya oo aan cid gaara loogu yeelin ujeeda ay leedahay.

Top