G/Dhexe, Axmed Dheere: Duuliyihii Keli Ahaa Ee
Damiirkiisu U Diidday Amar Lagu Siiyey Inuu Duqeeyo Dadkii Deganaa Magaalada
Hargeysa Oo Uu Madaarkeeda Ka Duulay
Guddoomiyeyaashii Goobaha Imtaxaanada Dalka Oo Shalay La Dhaariyey
Baroor-diiqda Dhallinyaro Ku Dhimatay Doon Ku Qaraqantay Badda U
Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga Oo Shalay Boorama Laga Dareemay
Cusbitaalka Qaaxada Boorama Iyo Hay'adda COOPI Oo Dood Ku Saabsan La
Dagaalanka Cudurka HIV/Aids U Soo Gebogabeeyey Dhallinyarada Dugsiyada
Sare Qaarkood
Madaxweyne Bush Oo Baarlamaanka Dalkiisa Ka Codsaday In Xeebaha
Maraykanka Laga Soo Saaro Saliid
Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Dayriyey Waan-Waan Laga Gaadho Dagaalka U
Dhexeeya Dalkiisa Iyo Eriteriya
Dr Cumar Dixood Oo Maalinta 26-Ka June Ku Baaqay Mudaharaad Loogu
Dacwiyayo Abshir Saxardiid Iyo Dadka Kale Ee Dembi La’aanta U Xidhxidhan
Wasiirka Caafimaadka Oo Shahoodiyiin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalin
Jabisay Dugsiga Caafimaadka Burco
Ururka Dimuqraadiyadda Iyo Maamul-Wanaagga Oo Cambaareeyay Xadhigga Abshir
Xasan
Bileyska Berbera Oo Si Fool-xun U Xidhxidhay Suxufiyiinta Magaaladaas Ka
Hawl-gala Iyo Shixnad Lacag Ah Oo Ka Soo Degtay Halkaas
Gaadiidlayda Istaanka Tagaasida Banka Hargeysa Oo Ka Qayliyey Go’aan
Xukuumadu Kaga Mamnuucday Habeenkii In Ay Shaqaystaan
Wakiilada Oo Loo Qaybiyey Wax Ka Bedelka Ay Guurtidu Ku Soo Samaysay
Xeerka Diiwaangelinta
Beesha Bariga Burco Sidee Bay U Aragtaa Sheekadii Ahayd “Hargeysa Ka
Baxa”
Mar Hadaanay Mucaaridku Taageerayaashoodii La Tashan Talana Weydiin Waa
Abaalkood Wixii Ku Dhaca
|
|
G/Dhexe, Axmed Dheere:
Duuliyihii Keli Ahaa Ee Damiirkiisu U Diidday Amar Lagu Siiyey Inuu
Duqeeyo Dadkii Deganaa Magaalada Hargeysa Oo Uu Madaarkeeda Ka
Duulay |
“Milateri Waxaan U Ahaa Wadanka Inaan Difaaco, Balse May Ahayn Dhaartaan
Ku Dhaartay Inaan Shacabka Iyo Wadanka Qayb Ka Mid Ah Garaaco”
“Bambooyinka Waxaanu Ka Qaadanay Madaarka Hargeysa Isla Magaalada
Geesteeda Kalena In Lagu Duqeeyo Ayuu Amarku Ahaa”
Hargeysa, June 19, 2008 (Haatuf) – Duuliyihii keliya ahaa ee damiirkiisu
u diiday inuu duqeeyo dadkii rayidka ahaa ee deganaa xaafaddo ka mid ah
magaalada Hargeysa oo uu madaarkeeda ka duuliyey diyaarad nooceedu ahayd
MIG 17 nooca Bambooyinka tuura oo ay lahayd dawladdii siyaad Barre ee
dagaalka iyo gumaadka kula jirtay shacabkeeda oo doraad booqasho ku
yimid magaalada Hargeysa, ayaa ka waramay dhacdadaasi iyo go’aan
qaadashadii geesinimada lahayd ee uu kaligii ka muujiyey xasuuqii iyo
duqayntii loo gaystay shacbiga reer Somaliland xilligii uu socday
dagaalkii dib u xoraynta ee ay xoogagii SNM ku soo galeen magaalooyinka
waaweyn sannadkii 1988.
Axmed Maxamed Xasan oo xilligaas darajadiisu ahayd Gaashaanle dhexe oo
ka tirsanaa ciidamadii cirka ee Jamhuuriyaddii Somalia laysku odhan
jiray oo wakhtigaa ka hawl-geli jiray saldhigii ciidanka cirka ee
Balli-doogle ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo Duuliye kale ay wadeen
laba diyaaradood oo nooceedu ahaa MIG 17 laga soo diray magaalada
muqdisho si ay hawl-galo Duqayn ah uga fuliyaan magaalooyinka Hargeysa
iyo Burco, bishii July 1988, wakhtigaasi oo dagaal qadhaadhi ka socdey
Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo meelo kaleba kaas oo u dhexeeyey
xoogagii SNM iyo Ciidamadii taliskii Siyaad Barre, hase yeeshee uu ka
goostay,kadib markii uu Diyaaradii uu wadey ku tuuray Xeebta Dalka
Djibouti.
Mr. Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta shalay ugu waramayey magaalada
Hargeysa, waxaa uu sheegay in go’aanka uu ku gaadhay inuu ka goosto
dawladdii Siyaad Barre aanu ahayn mid ku dhashay markii uu Hargeysa
yimid, balse uu ahaa mid uu goostay markii lagu amray isagoo jooga
saldhiga Balli-doogle inuu ka qaybgalo Duqaynta lagu hayey dadkii
rayidka ahaa ee deganaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Shacbiga reer Somaliland ayaa intooda badani abaal ugu hayaan Mr Axmed
tallaabadii uu ku badbaadiyey dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Haddaba waraysigaas oo ahaa mid kooban ayaa waxaa uu u dhacay sidan:
S: Waa sidee Dareenkaagu labaatan sanno dabadeed markii aad ku soo
noqotay Hargeysa?
J: Shucuurtaydu waa mid aan la soo koobi Karin, runtii maalintaas
magaaladu (Hargeysa) waxay ahayd magaalo bahalo-galeen ah (Ghost town)
oo laga naxo, maantana waxaan arkaa magaalo nolol Iftiin iyo khayr badan
leh waana Illaahay mahadii.
S: Sida laga warqabo maalintaas wakhti dagaal baa lagu jiray, adiguna
waxaad ka mid ahayd saraakiil ka tirsan ciidanka cirka oo lagu amray
inay ka qayb gaybgalaan dagaalkii Hargeysa ka socday, markaa bal nooga
waran cidda kula socotay, inta diyaaradood ee aad ahaydeen, halkaad ka
duusheen iyo amarkii la idin siiyay waxa uu ahaa?
J: Markaan si kooban kuugu sheego, halkan Hargeysa waxa sii joogay dhawr
diyaaradood oo dagaalka ah, anagu laakiin qaybtayada oo ahayd MIG 17,
waxaanu ku ahayn laba diyaaradood, horese waxaa u sii joogay diyaarado
kale oo qaar MIG 19 ahaayeen qaarna ay ahaayeen Hawk Hunter, labadayadaa
diyaaradoodna waxaanu ka nimi maalin ka hor maalintii aan goostay ama si
kale aan u idhaahdee maalintii saddexaad ee aan muqdisho ka sokeeyay
ayaan ka goostay Awaamiirtu way iska caddayd maxaa yeelay anagu labadii
diyaaradood ee ugu dambaysay ee aanu ku nimid waxay ahaayeen MIG 17,
diyaaradahaas oo awood u leh inay xambaaraan bambooyinka, diyaaradihii
naga horeeyay oo aan qaadayn bambooyin, ayaa kuwan loo adeegsanayay inay
bambooyin qaadaan, taas ayaa amar nalagu siiyay inaanu garaacno
magaalada (Hargeysa) qaybo ka mid ah oo ay markaasi degenaayeen shacab
iyo jabhadii SNM ee markaas ku jirtay oo isku dhex jira.
S: Markaa go’aanka adigu aad qaadanaysay inaad kaga baxsatid oo aanad
hawlgalkaas fulinin goor muu kugu dhashay sideese u qaadatay go’aankaas?
J: Go’aankaas markaan soo baxaayeyba oo aan halkaas joogay, anigu waxaan
ka imi Bali-doogle, halkaas baa layga yeedhay waanan sii ogaa hawlgalka
oo waa la ii sheegay inaanu diyaaradaha Muqdisho ka kaxayn doono oo ay
yaallaan oo aanu markaas Hargeysana dagaal u tagi doono, go’aankaygu
wuxuu ahaa inaanan marna dagaalkaas ka qayb-galin oo aanan hawshaas
fulin, go’aankaygu wuxuu ahaa marka lay sheegaba, inaan go’aankaas isla
markiiba uu ahaa midaan qaato, laakiin fulintiisu waxay soo gaadhay
markaan imi halkan, balse go’aanka waxaan ku qaatay marka amarka la I
siiyeyba inaan ka qayb-galin dagaalkaas.
S: Mar hadduu dagaalkaasi ahaa mid waajib ah sida ay saraakiisha kaleba
ku doodaan ee ay u fulinayeen sida amarka laydin ku siiyay sababta adiga
kugu kaliftay inaad go’aan gaadhid oo aad ka goosatid maxay ahayd?
J: Wallaahi horta amar milateri wuu jiraa oo milatariga amarkiisa waa la
raacaa, laakiin waxaa ka horeeya anigu milatari waan ahaa laakiin
milateri waxaan u ahaa wadanka inaan difaaco, balse may ahayn dhaartaan
ku dhaartay inaan shacabka iyo wadanka qayb ka mid ah garaaco, sidaas
darteed awaamiir layguma siin Karin shacabka inaan garaaco, mana
aaminsani inay awaamiir sax ah tahay taas darteedna waxaan goostay inaan
ka goosto.
S: Go’aanka aad qaadatay bal in yar dadka uga sheekee sidii aad u
qaadatay, halkii aad martay, diyaaradii halkii aad kaga tagtay,
hawl-galkaas sidii aad u samaysay?
J: Haddii aan soo koobo bambooyinka waxaanu ka qaadnay isla madaarka
Hargeysa oo laga qaadanayay isla magaalada geesteeda kalena in lagu
shubo sidaas ayuu amarku ahaa, anigu markaan la kacay, waxaan qaatay
jihadda Djibouti anigoo markaas go’aan kaasi ahaa midaan hore u qaatay,
laba diyaaradood baanu ku wada soconay, diyaaradii kale markay u
leexatay xaga magaalada inay garaacdo ayaan anigu qaatay jihadii
Djibouti anigoo markaan la simanahay ama wax yar dhaafay naasa hablood,
ayaan bambooyinka halkaas ku tuuray iyagoo wata amaankoodii ama
fuyuuskoodii, markaas ayaan si aan u dhawro shidaalka si uu ii
gaadhsiiyo Djibouti ayaa toos ugu dhaqaaqay Djibouti.
S: Sidee laguugu ogolaaday Djibouti inaad fadhiisato, sideese u degtay?
J: Djibouti xidhiidh lama lahayn Raadaha oo kuma xidhnayn, mana haysan
frequency-ga Djibouti, sidaas darteed markii aan madaarka Djibouti
dhaafay muddo wax yar ahi soo noqodkiina waxa ii daarmay digniinta
shidaalka (emergency) markaasna waxay noqotay inaad ka baxo oo aan ka
boodo ama inaan dajiyo, kadibna waxaan helay meel xeebta ah oo lagu dagi
karo, markaa halkaas ku degay, dabadeed waxaan helay kalluumaysato oo
markaa I keenay ilaa magaaladda, halkaasna dawladii iyo dadkii si
wanaagsan baa laygu soo dhaweeyay inaan la xidhiidho Qaramada Midoobay
oo ay halkaas igu qaabilaan qolada UN-tu sidaasna aan ku baxay.
S: Majiraa wax khasaare ah oo soo gaadhay adiga naftaada iyo diyaaradii
aad wadatayba?
J: Waxa jiray maalintii aan imid Hargeysa waxaan filayaa inay ahayd
galab ilaa 5-tii anagoo laba diyaaradood ah maalintaas waxba nalooma
duminayo habeenkaas oo waan hoyanay, maalintii ka dambaysay waxaan u
sheegay diyaaradii in cilad qabto si ciladii looga hagaajiyo
maalintaasna ciladii baa laga hagaajiyey oo maalintaa shaqo diyaarada
dayac-tirkeeda ah baa lagu jiray maalinta saddexaadna waa maalintii
naloo diray bambooyinka inaanu qaadano, ee aan tegayo.
S: Muddo badan ayaa wakhtigaa ka soo wareegay, ina wax war ah ma ka
haysay fidradda ay kaa qabaan dadka reer Somaliland?
J: Haa way jiraan oo dibadaha waanu isku aragnay dadka ree Somaliland,
runtii go’aankaa oo iyaga la ahayd inaan anigu wax wayn sameeyay,
laakiin anigaa xaqiiqdii wax weyn ilama aha sababtoo ah dad walaalahay
ah inaan ka tago anigoon waxba u qaban karin, ta kaliya ee aan samayn
karayay waxay ahayd inaan ka badbaadiyo dhibaatada aan anigu wado,
laakiin inaan wax qabtay ama wax layaab leh inaan sameeyay ilama aha,
balse runtii iyaga waxay ugu muuqatay inaan wax weyn sameeyay.
Guddoomiyeyaashii Goobaha Imtaxaanada Dalka Oo Shalay La Dhaariyey
|
Hargeysa June 19, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyeyaasha goobaha imtixaanada
dalka oo dhan ayaa shalay khitaabka quraanka lagu dhaariyey.
Guddoomiyeyaashan ayaa loo dhaariyey ilaalinta imtixaanka shahaadiga ee
dugsiyada sare iyo dugsiyada dhexe ee Somaliland, taas oo lagu dhaariyey
xarunta wasaarada waxbarashada, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen
shaqaalaha wasaarada waxbarashada iyo saxaafaduba, si loo tuso
dadweynaha Somaliland inay si cadaalada u dhacayso Ilaalintu.
Guddoomiye goobeedyadan ayaa masuuliyada goobaha imtixaanada lagu
qaadayo uga masuula wasaarada waxbarashada inta uu imtixaanku socdo,
taas oo loogu talo-galay in uu imtixaanku si cadaalad ah uu dalka oo
dhan uga wada dhaco, si ay ardaydu iyo bulsha weynta Somalilandba ay ugu
kalsoonaadaan dadka ilaalinaya goobaha imtixaanka lagu qaadayo.
Guddoomiye goobeedyadan la dhaariyey oo ka kooban 65 Guddoomiye goobeed
oo dalka oo dhan ayaa waxay iyaguna sii dhaarinayaa macalimiinta iyo
shaqaalaha kale ee ka hawl galaya goobaha imtaxaanaadka.
Guddoomiyeyaashan oo dhamaantood gacanta saaray kitaabka Quraanka kuna
dhaartay inay daacad u yihiin tartamayaasha, isla markaana tani waxay
noqonaysaa markii ugu horaysay oo sidan oo kale loo dhaariyo dhamaan
shaqaalaha ka hawl-galaya goobaha imtixaanka shahaadiga lagu qaadayo,
isla markaana waxay tusaale fiican u tahay habka iyo nidaamka fiican ee
ay wasaarada waxbarashadu u diyaarisay imtixaanka iyo waliba sida ay u
xafiday imtixaanada dalka oo dhan ka dhacay, sidoo kale waxaa uu
imtixaanku isla wakhti ka wada dhacayaa dhamaan dalka oo dhan.
Baroor-diiqda Dhallinyaro Ku Dhimatay Doon Ku Qaraqantay Badda U
Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga Oo Shalay Boorama Laga Dareemay
|
Boorama, June 19, 2008 (Haatuf) – Ugu yaraan 16 qof oo u dhashay
Somaliland kana soo degaanka Boorama ayaa ka mid ah dad ku dhintay doon
ku qaraqantay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga, iyadoo tiro
kalena la la’yahay weli geeri iyo nolol, halka qaar kalena laga
badbaadiyay.
Magaalada Boorama ayaa looga baroor-diiqay dhallinyaro ku le'day iyo
kuwa la la'yahay oo doon ay saarnaayeen kula gaddoontay badda u dhaxaysa
dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan
Dheere, xaafado ka mid ah magaalada Boorama ayaa guud ahaanba laga
arkayey sida guud ahaanba ay geerida dhallinyaradaasi iyo kuwa
la'yahayba u taabatay qoysaska ay ka baxeen dhallinyaradaasi, kuwaas oo
ilaa habeen hore heegan u ahaa warka ku saabsan geerida ku timi
dhallinyaradaasi iyo waxa mustaqbalka ka iman kara haddii ay sii socdaan
halaagga iyo isbiimaynta dhallinyaradaasi isku biimaynayaan doonyaha
amaankoodu xun yahay ee ay ka raacayaan dalalka Liibiya iyo kuwa la
deriska ah.
Sida ay sheegeyaan wararka ku saabsan dhallinyarada ku le'atay doonta la
sheegay, ayaa ilaa imika la xaqiijiyey geerida 16 qof oo ka kooban 2
haween ah iyo 14 wiil iyadoo weli la la'yahay ku dhawaad 14 kale, halka
14 kalena ka badbaadeen doontaasi.
Warku waxa uu intaa ku daray in dhallinyaradan ku dhimatay shilkani ka
tegeen Liibiya Jimcihii hore, kaddibna la waayey warkoodii laba casho
kadib, dabadeedna ciidamada Talyaaniga iyo kuwa jasiiradda Malta
sheegeen doontaasi inay haligantay, dadna ay ka badbaadiyeen, kuwa
kalena la la’yahay, qaar badanina ku dhinteen.
Dhallinyaradan ku le'atay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya oo
dhammaantood ka soo jeeda degaanka Boorama iyo Liibiya, ayaa la
sheegeyaa inay la socdeen Soomaalli kale oo uu kala dhalatay Somaliland
inteeda kale iyo Soomaaliya balse tirada ugu badani ahaayeen rakaab reer
Boorama ah, shilkan ayaa la sheegeyaa inay ku jireen laba dhallinyaro ah
oo ka soo jeeda degaanka Hargeysa, balse ilaa imika aan la xaqiijin
magacyadooda.
Geeridan naxdinta leh ee soo gaadhay dhallinyarada iyo qoysaska ay ka
baxeen, ayaa waxay ahayd tii ugu badnayd ee mar keliya sida aadka ah u
taabata reer Boorama, wuxuuna shilkani daba socday tahriib xoogle oo
waayadan dambe dhallinyarada reer Boorama ugu kicitimayaan debedaha si
ay shaqooyin iyo waxbarasho uga raadsadaan wadamada debedaha.
Cusbitaalka Qaaxada Boorama Iyo Hay'adda COOPI Oo Dood Ku Saabsan La
Dagaalanka Cudurka HIV/Aids U Soo Gebogabeeyey Dhallinyarada Dugsiyada
Sare Qaarkood |
Boorama, June 19, 2008 (Haatuf) —Isu-duwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal
C/laahi Muuse Yoonis ayaa shalay xarunta Cusbitaalka Guud ee Boorama
dood ku saabsan la dagaalanka cudurka HIV/Aids ugu soo gebogebeeyey in
ka badan 40 xubnood oo ka kala socday ardayda qaar ka mid ah dugsiyada
sare ee Boorama.
Dooddan oo ay soo diyaariyeen maamulka Cusbitaalka Qaaxadda Boorama,
Hay'adda COOPI, Iyo wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa kale oo ka soo
qaybgalay maamulka Cusbitaalk Guud ee Boorama, wakiillo ka socday
hay'adda COOPI iyo martisharaf kale.
Hadal Isuduwaha Caafimaadku ka jeediyey xidhitaanka dooddan, ayaa waxa
uu guud ahaan ka warramay faa’iidooyinka doodda noocan oo kale ahi u
leedahay dhallinyarada dugsiyada sare, iyo sida loogu baahan yahay inay
had iyo jeer uga feejignaadaan sifooyinka lagu qaadi karo xanuunkan.
Sidoo kale Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Borama, Dr. Ismaaciil Muxumed,
ayaa isna ka warramay sida maalinba maalinta ka dambaysa xanuunkaasi ugu
sii fidiyo caalamka, iyo dedaalka loogu jiro sidii dadweynaha Somaliland
looga wacyigelin lahaa.
Madaxa mashaariicda Cusbitaalka qaaxada Boorama Dr. C/salaan Gahayr, pp
isna halkaasi ka hadlay aya sheegay sida ay isugu xidhanyihiin ama isugu
egyihiin xanuunada qaaxada, iyo cudurka HIV/Aids-ku, sidaa darteedna qof
kastoo dareema xanuunadaasi degdeg iskaga baadho si loo sugo
daaweyntiisa. Waxa kale oo Gahayr ka warramay in dhallinyarada dugsiyada
sare yihiin, kuwa fahmi kara khatarta xanuunkaasi loogana baahan yahay
inay ka qayb qaataan wacyi-gelintiisa.
Warbixin la xidhiidha qaabkii loo soo agaasimay dooddan ayaa isaguna
waxa halkaasi ka jeediyey xidhiidhiyaha hay'adda COOPI u qaabilsan
dhinaca mashaariicda, Axmed Cige Yuusuf.
Madaxweyne Bush Oo Baarlamaanka Dalkiisa Ka Codsaday In Xeebaha
Maraykanka Laga Soo Saaro Saliid |
Washington, June 19, 2008 (W. Wararka) - Madaxweyne Bush ayaa
kongarayska dalkiisa ka codsaday in xayiraada laga qaado in xeebaha
maraykanka laga soo saaro shiddaal, ka dib markii uu qiimaha shidaalka
ee dalka maraykanku cirka isku shareeray todobaadkii u dambeeyay.
Qiimaha shidaalka ayaa maalmihii ina dhaafay dalka maraykanka waxa uu
gaadhay Halkii Gallan qiimihiisu $4.75 dollar, kaas oo noqonaya qiimihii
ugu sareeyey ee uu gaadhay shidaalku inta la xasuusanyahay taariikhda.
Mr. Bush ayaa wuxuu sheegay in xeebaha dalkiisu ay la ceegaagaan kayd
baaxad wayn oo shidaal ah oo saynisyahanada qaar ay rumaysanyihiin inuu
saddex jibaar ka baaxad wayn yahay kaydka la hubo ee Boqortooyada
Sucuudiga.
Waxaan isagoo arintaa ka hadlaya Bush u sheegay kongarayska “ golaha
kongaresku waa in uu wajahaa xaaladdan adag, haddii aaney mudaneyaashu
diyaar u ahayn iney aqbalaan qiimaha xanuunka badan ee uu shidaalku
maanta marayo, ama xitaa intaa mid ka sii badan dalkeenu waa in uu soo
saaraa shidaal waana in aan hadda bilawnaa” golaha kongereska ayaa 26
sanno ka hor soo saaray qaraar ay ku mamnuucayaan in shidaal laga baadho
xeebaha Maraykanka Iyagoo taa sabab uga dhigay cabsi laga qabo inuu
shidaal ku soo butaaco magaalooyinka waawayn dhibna uu gaysto, ama iney
talaabadaasi dhaawacdo Cosobka Cimilada, waaxaa intaa sii dheer in
Madaxweyne Bush Aabihii, markii uu Madaxweynaha ahaa 1990 uu isaguna soo
saaray wareegto Madaxweyne oo reebaysa in shidaal laga qodo xeebaha
Maraykanka, baaqa Madaxweyne Bush ayaa hadaba lidi ku ah wareegto uu
Aabihii hore u hir galiyey.
Dhanka kale hadalka Madaxweyne Bush ayaa ku soo beegmay, iyadoo
maalintii shalay uu baaq kan la mida uu soo saaray, Musharaxa Madaxweyne
Nimada ee xisbiga Jamhuuriga john Mcain oo isagu dhawr sanno ka hor
diidanaa in shidaal laga qodo xeebaha Maraykanka.
Musharaxa Dimuqraadiga senator Brack Obama, ayaa durbadiiba ku eedeeyey
senator makayn inaanu lahayn fikrad sugan oo uu raaco, balse uu la
heehaabayo hadba jihada ay dabayshu u waddo.
Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Dayriyey Waan-Waan Laga Gaadho Dagaalka U
Dhexeeya Dalkiisa Iyo Eriteriya |
Hargeysa, June 19, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil
Cumar Geele ayaa sheegay inaanu garanayn sababta ka dambeysa ee ay
wadanka Eriteriya ugu soo duushay wadankiisa, taas oo uu tilmaamay in
aanu dhanka Eriteriya aanu ka filaynin wax dagaal ah, iyo sababo ay u
wada dagaalamaan oo ka dhexeeya.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in ay albaabadii
wada hadalka ay Eriteriya soo wada xidhay oo aanay u jeedin wax wada
xaajooda, rajo laga qabo waan-waan dhexmara labada dalna aanu jirn, isla
markaana ay ciidamadiisu difaaci doonaan waddankiisa.
Mr Geele waxaa kale oo uu sheegay in ay heshiis la leeyihiin dawladda
Faransiiska kaas oo ah in haddii Jabuuti lagu soo duulo uu ka garab
dagaalamo ciidamada Jabuuti, balse waxaa uu sheegay in uu isagu ka
doorbidayo dagaalka inay horta ay iyagu dhiigooda u huraan difaaca
dalkooda, isla markaana ay ciidamda faransiisku ay ka caawin doonaan
xaga sirdoonka iyo Saadka.
Ugu horayn madaxwene Geelle oo ka jawaabaya su’aal ahayd waxaa xilligan
dagaalka abuuray ee ay Eritrea ay dagaalka ugu soo qaaday wadankooga,
isaga oo su’aashaa ka jawaabayana waxaa uu yidhi “ Walaahi su’aashiisi
aniga iyo xukuumaduba iyo shacabka Jabuutiba wuxuu uu u la’ yahay jawaab
,maxaa yeelay umaanu dabanba in halkaa uu naga soo galo dagaal anaga oo
aanan usu diyaarin, wax sababna ilaa maanta aanaan garanayn, dagaal
dadna ku dhinteen qaarna dhaawac ku noqdeen, oo qaybi leedahay (Eriteriya
) maba dagaalaminba anagu, wax taariikhda lagu arkay maaha, kolayba
anigu (Jabuuti) jawaab aan bixin karo oo aan odhan karo waxaasaa sababay
ma hayno.
S: Madaxweyne waxaa jira oo la leeyahay madaxwenahan Eriteriya Isyaas
Afwerqi waxaa uu sababta ugu weyn ee waxan keentay waxaa weeyaan
kaadhkii uu ciyaarayey dhinaca maxkamadaha ee uu itoobiya hor mar
marinayey ayaa markaa dhinacan u soo duulaamay oo dhinacii shirka yimid,
ee Malaga yaabaa in iyana sabab u noqon karto ?
J: dee waa mala awaal dadbaa odhanaya sababaha ayey ku jirtaa, laakiin
dagaal intaa leeg oo in dal lagu qaado, dee ma cabsiinbaa, ma tahdiidbaa,
anagu horeba shirar waanu u qabanay, wali intaa ay Somalia dhibaatada ku
jirtay anagu ilaa maanta iyo in dambaba ilaahay kama dhigee ilaahayna
kama rajaynayno in arinkaasi sii daba dheereedo, laakiin inaanu tolna u
nahay ehelna u nahay inuu iska garanayo ayaan u malaynayaa.
S: Madaxweyne waxaa jiray heshiis bari hore oo faransiiska iyo jabuuti
markii uu wadankan uu mustacmarad ku yimid ahaa inuu dhinaca difaaca
wixii ku soo gardarooda uu isaguna markaase dhanka jabuuti uu ka
jeesanayo, haddii uu sii socon lahaa dagaalku aragtidaada ma laga yaabaa
in uu soo gali lahaa faransiisku?
J: waajib weeyaan waa xidhiidh iyo heshiis jiray, jirana wixii
waajibkiisa ahna uu qabtay, wuu isgarabtaagay ciidankeena, si aanu
hortaba anagu u dhimanaba wadankeena,, cid kalana aanay dhiigeeda ku
daadinin anaga ayaa doonayna, isagu taakulayn iyo wixii uu nala qaban
karaayo, sirdoon iyo logistics waxaa haddii uu bixinayo diyaarna uu la
yahay, una soo gaadhsiiyo ciidankeena, laakiinse heshiiskaas si uu uga
baxayo uma taallo, laakiin isagoo heshiiskaasi jiro oo aanu garanayno,
waxaanse doonaynaa in horta dhigayaga aanu u hor daadino.
S: Waxaa jira iyana maraakiib uu maraykanku leeyahay oo jooga wadanka,
ciidamada maraykanku iyana sida faransiiska miyuu jiraa heshiis aad la
gasheen?
J: mawqifka maraykanku xaga siyaasada aad ayuu noo cajabiyey aad ayuu
noola shaqaynayaa, waa kuwa bixiyey war fiican oo ay ku eedaynayaan
waxay ragaasi samaynayaan, ee ay nabada ay xumaynayaan oo ay daganaasho
la’aan keenayaan way sheegeen, security council kana iyaga haya doorkan,
si fiicana qaraar fiican ayey ka qaateen qararkii dharaartii dhowayd ka
soo baxay golaha amaanka, laakiin heshiis kale oo maraykanka iyo anaga
naga dhexeeyaa ma jiro, joogi taankooda oo qudhi waxaa uu ku xidhan
yahay argagixisada oo qudha.
S: Dagaalkii hadda ma socdo, wax waan waana oo dublamaasiyadeed ah oo
socdaa hada ma jiraan?
J: Anagu waanu wadnaa, laakiin albaabada dharaartii ugu horeysayba wuu
xidhay ninkaasi, doraad ayaa ugu dambeysay oo madaxweynaha yemen ayaa la
hadlay, kolkii aan anagu wada hadalnay dabadeed, ayuu isagana la hadlay,
waxaa aanu leeyahay anigu jabuuti waligay la hadli maayo. Albaabkaasi
wuu xidhan yahay ayaan filayaa oo waan waan la sugayaa ma jirto.
Dhinaca kale Xudduuda u dhaxaysa Eriteriya iyo Jabuuti ee maakmihii la
soo dhaafay ay ay labadaas dal ku dagaalameen ayaa la sheegay inay
Ciidamada Eriteriya ay abaabul dagaal oo xoog leh ka wado,halkaas oo ay
hub iyo Ciidamaba ku soo daadguraynayso Dawada Eriteriya.
Warsaxaafadeed ay Wasaarada Gaashandhiga Jabuuti soo saartay maalintii
shalay ayaa lagu sheegay in dawladda Eriteriya ay hub culus iyo
gaadiidka dagaalka iyo Ciidamaba ay soo dhoobtay furinta hore ee labada
dal ay dhowaan isku farasaareen ee xadka, Warkan ay soo saartey
Wasaarada Gaashaandhiga Jabuuti ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay
Ciidamadoodu diyaar u yihiin dagaal haddii ay Cidamada Eriteriya weerar
kasta oo kaga yimaada dhinaca Eriteriya.
Dr Cumar Dixood Oo Maalinta 26-Ka June Ku Baaqay Mudaharaad Loogu
Dacwiyayo Abshir Saxardiid Iyo Dadka Kale Ee Dembi La’aanta U Xidhxidhan
|
“Abshir Waxa Weeye Ciddii Sheegtay Cidda Xaday Ee Bilaysku Waxay Ahayd
Inay Soo Xidhaan …”
Hargeysa, June 18, 2008 (Haatuf) - Dr Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ah
masuuliyiinta xisbiga KULMIYE isla markaana ahaan jiray ergeygii
Ictiraaf raadinta ee xukuumasda Riyaale, ayaa si kulul ugu cambaareeyay
qoyska madaxtooyada iyo ciidanka bilayska.
Xadhiga Abshir Saxardiid xaashi oo maxkamad la’aan muddo laba bilood ku
dhow ugu xidhan xabsiga mandheera, waxaanu ugu baaqay dadka reer
Hargeysa gaar ahaan maamulka gobolka Hargeysa e xisbiga KULMIYE inay
maalinta 26-ka June sameeyaan mudaharaad salmi ah oo loogu dacwiyayo
Abshir saxardiid iyo boqolaalka qof ee sharci darrada ugu xidh-xidhan
xabsiyada in xoriyadooda loo soo celiyo.
Dr Cumar Dixood ayaa warsaxaafadeed dheer oo uu shalay khadka Internet-ka
noogu soo diray waxaanu ku sheegay in aanu Abshir wax dembi ah gelin
balse uu ka markhaati furay hanti ummadeed oo u qoyska madaxtooyadu si
sharciga baal marsan u lunsadeen isla markaana uu Abshir soo bandhigay
Ducmente-yo taas cadaynaya, isagoo ka markhaati kacay musuqmaasuqyo uu
wargeyska Haatuf soo bandhigay oo ay galeen qoyska madaxtooyadu.
Sidaa darteed Dr Cumar Dixood wuxuu ku dooday in aanay xaq ahayn inla
xidho qofka markhaatiga furay ee ay ahayd in la xidho qofkii ama ciddii
ay ku cadaato inay wax xadday sidaas darteed waxa u Dr Dixood
hab-dhaqanka xadhiga Abshir uu ku timaamay mid la mid ah kii ay hay’adii
NSS-tii dawladii Siyaad Barre kula kici jirtay shacabka, taasina ka soo
horjeedo ujeeddadii halgankii hubaysnaa ee dib loogu xoreeyay
Somaliland.
Warsaxaafadeed Dr Dixood waxa uu isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:-
“Waxaan u sheegayaa dhamaan ummadda Somaliland iyo dadka sheeganaya inay
yihiin mus’uuliyiinta ka talisa Somaliland inay u arkaan sax, xaq iyo
cadaalad nin markhaati ka ahaa arin dhacday in la xidhi jiray oo la
xidho ninka labo ruux oo is eedeeyay u kala markhaati furay. Aynu is
waydiinee Abshir Saxardiid Xaashi oo ahaa maamulihii gaarka ahaa ee
qoyska Madaxweynaha isla markaana ahaa Gudoomiyaha Gaadiidka kana tagay
shaqada muddo imika laga joogo saddex sanadood ahna imika xubin golaha
dhexe ee KULMIYE inay tahay xaq iyada oo aan la soo marin Maxkamad in la
xidho oo waliba Bileys hubeysan oo soddon nin ahi ay ka dhex qabtaan Rag
xildhibaano ah iyo hudheel badhtamahiisa iyadoo la fulinayo amar ka
yimid Haweeneyda Madaxweynaha Huda Barkhad Aadan, arintaa Abshir uu ka
markhaati furay oo ahayd xatooyo qaran oo lagu eedeynayay inay samaysay
haweeneyda Madaxweynuhu ay qortayna jariirada Haatuf 2006dii arintaas oo
lagu xidhay iyadoo la sheeganayo dimuqraadiyad mas’uulka wayn ee Yuusuf
Cabdi Gaboobe oo wakhti dheer uu isaga iyo saaxiibadii ay ku jireen
jeelka Mandheera. Arrintaa ay kashifeen daraadeed waxaanu qabnaa
markhaatiguu furay Abshir inay ku caddayd Rasiidhadii uu keenay ee ay
haweeneyda madaxwaynuhu ku iibisay baabuurtii Madaxtooyada iyo dhulkii
Jaamacadda ee ay qaadatay, waxay ahayd haday u martay wado saxa inay
Maxkamadda ka ashkatayso jariidada manay ahayn Bileyska dalku oo og
wixii laga dagaalamay inay amarkeeda fuliyaan oo ay xidh xidhaan
Suxufiyiinta qaranka u adeegaya ee soo ogaaday xatooyadaa xoolo dadweyne.
Waxay ahayd in lagu amaano arintaasi dal iyo dad burburay oo la dhacayo
ninka sheegay ee ka badheedhay ninka ka markhaati furana waa lagu amaani
jiray.
Waxaan leeyahay hala is weydiiyo Madaxweynaha iyo xaaskiisu maalintii laga
dhigay Madaxweyne ku xigeen wuxuu haystay xoolo iyo wuxuu maanta haysto.
Waxaanu ognahay inuu guri uga iibiyay inankiisa weyn England, magaalada
Manchester, guri wayn oo caana ahna uu ka iibsaday Qaahira (Cairo), Abu
Dhabayna waxbaa lagu sheegayay. Xataa sida sharcigu qorayo waxaa ah
tuugo hadii aad qarsato hadiyadaha lagu siiyo marka aad Madaxwayne tahay,
nasiib daro waxaa ah dad aan markii hore la qiimeyn garashadooda iyo
waayo aragtinimadooda siyaasadeed in sidii bakhtiya nasiib ruux wax ku
helay oo kale la iskaga magacaabo madaxweyne ku xigeen ama madaxwayne.
Halkaa waxa ka muuqata inaan danta guud dadku u haysan ruuxa loo
dhibaayo in xoog looga fiirsado waata maanta keentay garasho xumadaasi
in ragii dalkan xoreeyay lagula kaco wixii lagula kici jiray amba ay ku
kici jireen Maxamed Siyaad Barre, Moorgan iyo Gaani.
Hala ii sheego xadhigga uu ku jiro Abshir wuxuu kaga duwan yahay
xadhigii uu kula kacay Gaani dhalinyaradii Uffo, goormay dhacday ama la
xasuustaa haweeney Madaxweyne oo dadka xidh xidha oo waliba jeelasha ugu
fog fog u dirta, sida ka Abshir imika uu ku jiro.
Abshir muu ahayn ruuxii alaabta xadee waxa weeye ruuxii sheegay cidda
alaabta xaday, waxa wanaagsan oo xaq ah in qofka dambiga jariidadu ku
eedeysay haddii cid la xidhayo bileysku ay xidhaan.
Waxa kaloo la yaableh Bileys aan darajoba garbaha ku sidan oo wada
cadaysima ah waxa ay ku dhimanayaan waxay tahay, miyayna ogayn in iyaga
iyo kuwa kiiska galayba Maalmuhu inay is dabo socdaan oo laga xisaabtami
doono wixii lagu sameeyay Dr Gaboose, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal
Caydiid, malaa waxa wanaagsan in dhacdooyinkan uu Hadraawi ka gabyo
Gaariyena uu u gudbiyo Xasan Ganey waxna ku daro, markaas ayaa dadka
qaar ay nafisi lahaayeen hadase waxaad moodaa in riyo lagu jiro oo riyo
la daawanayo. Waa ayo dadka wax xidh xidhayaa miyaanay ahayn kuwii Burco
intay ka carareen 1991 iyagoo ka baxsanaya SNMtii Caynaba agteeda
baabuurku kula jabay ee daawihii baabuurku halkuu xoqay ay wali
geeljiruhu daawanayaan, kaasi wuxuu ahaa Daahir riyaale oo haystay
Berbera iyo Burco NSSteeda oo ah ka ku celiyay wixii shalay laga
dagaalamay waa Daahir, oo wali ictiraafba helin, miyaynu riyooneynaa
mise arimuhu waa dhab.
Abshir wuxuu ahaa dhalintii dalka xoreysay, 9 caruurana wuu leeyahay oo
u ooyaya, waxa jirtay habeenkii Abshir la qabtay in baabuurkii lagu
qaaday gudihiisa laga tumay kelyaha iyo luqunta madaxna uu ka ahaa
Maxamed Ducaale oo qaybta haysta laguna garaacay wokitoki xadiida.
Waxa iyadoon maxkamad la marin lala qaaday argagixisadii min 11ka
sanadood lagu xukumay ee afduubay ninkii Jarmalka ahaa.
Inkastoo la sheegayay in 100kun oo Yuro ay ku baxday ilkihii loogu
galiyay Germany ee loogu abuuray ciridka, abaalkiina wuxuu noqday inuu
ku qaniino dadkii kursiga saaray, bal aan eegno intuu Abshir sii
xidhnaado , fooluxmaana ka dambayn. Labada haween
Midkastaaba ninkeeda uma haysato ninka kale inuu ka fiican yahay,
kursiga ayaase balaayada wata dadkana sababa, ana maan moodayn waxaan u
dagaalamayay inay waxan ahaayeen, taariikhdaase sheegi waxan maanta
socda waxay noqon.
Sidaa daraadeed waxaan ka codsanayaa dadka reer Somaliland inay ka
dagaalamaan kana kacaan xadhigan soo kordhaya, lix iyo labaatanka June
waa in mudaharaad laga sameeyaa magaalada Hargeysa loogu dacwoonayo in
Abshir loo soo celiyo caruurtiisa iyo xoriyadiisa. Roobka gu’gu lafihii
maydadka ayuu wali soo faqaa, caduur dhow dhowdu umay dhicin, xisbiga
Kulmiye ee Hargeysa-na waa inay ka howlgalaan arinkaas.
Sida dagaal Oogayaasha dadka qafaasha hadii loo macaamilo iyadoon dalka la
ictiraafin Somaliland Somaliland ma noqon doonto, waxayna arintu u
egtahay inaan loo jeedin wanaaga dadka badidoodu moodayaan in la doonayo,
jaafaajiriqa iyo ceebta Somaliland Daahir baa dibada u soo saaray,
ninkii waxaa raali ka ahow UDUB ku sii jir ninkii ka xunoowna KULMIYE
iyo UCID ku biir.”
Wasiirka Caafimaadka Oo Shahoodiyiin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalin
Jabisay Dugsiga Caafimaadka Burco |
Burco, June 19, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi
Haybe ayaa sheegay in Reer Burco ay ka ficil badan yihiin Reer Hargeysa
iyo Gobolada kale.
Sidaas waxa uu wasiirku ka sheegay Munaasibad Shahaadooyin lagu
gudoonsiinayay Ardaydii u horeysay ee ka qalin jebisa Dugsiga
Caafimaadka ee Burco, oo Xalay lagu qabtay Huteel Barwaaqo ee magaalada
Burco.
Munaasibadan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka
Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Xildhibaano goleyaasha
Baarlamaanka ka socday, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, wasiirkii hore ee
Arrimaha Dibadda Somaliland, Masuuliyiinta Caafimaadka Gobolka, Gudiga
caafimaadka gobolka, madax ka tirsan Xisbiga Kulmiye, Waalidiinta
Ardayda dhamaysatay Waxbarshada Caafimaad iyo Marti sharaf badan oo
kale.
Md.Cabdi Haybe, oo munasibadaa ka hadlay ayaa sheegay in hawsha
kalkaalinamada Caafimaad ay tahay shaqo meel kasta laga jecel yahay, oo
bulshada ugu jirta kaalin muhiim ah, isagoo xusay in ardayda dhamaysatay
waxbarshada caafimaadka oo ay dhamaantood shaqaalaysay wasaaradu ay
labada sano ee u horeeya aanay meel kale shaqo u doonan karin oo ay
ummadooda u shaqeenayaan.
Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in bulshada reer Burco ay Reer
Hargeysa ka ficil badan yihiin oo hawsha ay u dhaqaaqaan ka soo baxa.
“Reer Burco waa dad ka ficil badan Reer Hargeysa iyo Gobolada kale” ayuu
yidhi Cabdi Haybe.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in gobolada kale ee doonayay inay
samaystaan Dugsiyo caafimaad ay ka joojiyeen, sidaas darteed Dugsigan
Burco laga dhigi doono mid hoy ah oo ardayada gobolada Bariga Somaliland
oo dhami wax ka baran doonaan. Wasiirku waxa uu si weyn ugu mahadceliyay
Gudiga Caafimaadka Gobolka Togdheer isagoo carabka ku dhuftay in
gobolada Sanaag, Awdal iyo Laascaanood ay awoodi kari waayeen inay
samaystaan Gudi Caafimaadyo.
Ugu dambeyntii waxa uu munaasibadaa kaga dhawaaqay in shahaado sharafta
koowaad siin doonaan Shirkada Dahabshiil. “Shirkada Dhabashiil ayaanu
shahaado sharafta Koowaad siinaynaa, Waayo waxay kaalin mug leh ka
qaadataa Horumarinta hawlaha caafimaad ee Somaliland,” ayuu yidhi
wasiirku kadibna waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyay Ardaydii qalin
jabisay.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cismaan Qaasim Qodax oo isaguna
munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu
goobjoog ka ahaado Hawshii uu bilowgeeda taagnaa, oo uu
midho-dhalkeediina joogo.
Wasiirka oo dabajooga hadal Dr. Cabdi Yaasiin ku duray oo ahaa in
Wasiirku xiligii uu wasaarada Caafimaadka joogay mar ay u tageen oo ay u
bandhigeen dhismaha dugsigaa oo xiligaa la waday inay kaalin ka qaadato
wasaaradiisu uu ugu jawaabay “Wasaaradu xiligan awood uma lihin inaanu
wax idinkala qabano Hawshaa, maadaama aanu dugsigii Hargeysa dhisayno,
hase yeeshee waxaan idin siinayaa warqadii Ogolaanshaha”, waxaanu
wasiirku hadalkaas kaga jawaabay “Waa runtii, waayo wakhtigaa awood
umaanu haynin aanu wax kala qabano, Dugsigii Caafimaadka Hargeysana
gacantaanu ku haynay, hase yeeshee waxaan siiyay warqadii fasaxa, ka
dibna waxay dhisteen Dugsigii Caafimaadka oo aynu maanta midhihiisii
guranayno.”
Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu Wasaarada Caafimaadka u soo jeediyay in
gobolada kalena loo faxaxo inay samaystaan dugsiyo caafimaad “Wasiir
waxaan caawa ku odhan lahaa gobolada kale u fasax inay dugsiyo caafimaad
samaystaan, si ay kuugu noqoto magac hadhow” ayuu ku soo xidhay
hadalkiisii.
Maamulaha dugsiga Caafimaadka Burco Faadumo Cismaan oo munaasibadaa ka
hadashay ayaa ka sheekaysay sidii ay ku bilaabeen dugsiga caafimaadka
iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray waxayna tidhi “Waxaanu ku
bilownay laba fasal oo aanu weydiisanay dugsiga sare ee sheekh Bashiir,
maanu haysan qalab iyo buugaag aanu wax uga dhigno ardayda, Buugaagtii
iyo kumbiyuutarkii u horeeyay waxa noogu deeqday Marwo Edna Aadan” ayay
tidhi Marwo Faadumo iyadoo intaa ku dartay “Maanu eegayn Hanti balaadhan
oo nala siiyo, ee wixii aanu haysanay ayaanu ku xisaabtamaynay oo
waxaadan qabsan adigu cid kale kuu qaban mayso.”
Waxa kaloo ay Marwo Faadumo sheegtay in dugsigu maanta meel fiican
marayo, oo ay 31-kii arday ee u horeysay ka qalin jabiyeen, kuwaas oo ah
21 gabdhood iyo 10 wiil, “Ardaydaas qalinjebisay maanan odhan shaqo taga,
ee waxaanu ku nidhi waxaad tihiin mutadawiciin, oo waa inaad bulshadiina
u muujisaan Naxariis, dulqaad iyo samir. Ardayda maanu barin qabyaalad,
ee waxaanu barnay inay ummadooda ugu adeegaan si siman oo naxariis iyo
dulqaad leh” ayay tidhi Maamulaha Dugsiga Caafimaadka Burco.
Marwo Faadumo waxay ugu dambayntii Dadweynaha kula dardaarantay in
ardaydaa cusub ee qalin jabisay aanay iyagu xumayn oo hoosta waxyar uga
laabin marka ay u shaqanayaan, balse ay ku filan tahay waad mahadsan
tahay oo kaliya, iyadoo dhinaca kalena u mahadcelisay dhamaan cidkasta
oo dugsigan gacan ka geystay iyo dhamaan dhakhaatiirtii macalimiinta ka
ahaydba.
Marwo, Edna Aadan oo munaasibadaa ka hadashay ayaa si weyn ula
dardaarantay ardaydaas dhamaysatay Dugsiga caafimaadka waxayna tidhi
“Kaalkalinimada caafimaadku waa shaqo wanaagsan, oo lagu faano, waa
inaad bulshadiina ugu shaqaysaan ixtiraam, naxariis, sharaftii bahda
caafimaadkana soo celisaan, oo aad u abaal gudaan waalidiintii idinku
soo tacabtay. Waxaan idiin rajaynayaa inaad maalin maalmaha ka mid ah
halkan aan taagannahay isa soo taagtaan”.
Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa goobtaa ka
hadlay Xildhibaan Baar Siciid, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, Jaamac C/llaahi
Biin, Isudihii Hore ee Wasaarada Caafimaadka, Dr Cabdi Yaasiin oo ka mid
ahaa dadkii horseedka ka ahaa hirgalinta dugsigan, Isudawaha wasaarada
caafimaadka gobolka, Aadan Malay, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ahaa
Macalimiinta Dugsiga, Dr. Ciise Nuur Liibaan, oo ka mid ah Gudiga
Caafimaadka Gobolka, kana mid ahaa ragii bilaabay dhisida dugsigan iyo
Xubno kale, oo dhamaantood tilmaamay faa’iidada iyo waxtarka dugsigan u
leeyahay bulshada Somaliland, isla markaana dardaaran iyo Waanooyin
culus u xambaariyay Ardaydii dhamaystay Dugsigaa caafimaadka Burco.
Ururka Dimuqraadiyadda Iyo Maamul-Wanaagga Oo Cambaareeyay Xadhigga Abshir
Xasan |
Hargeysa, June 19, 2008 (Haatuf) – Ururka dimuqraadiyada iyo maamul
wanaaga ee magaciisu yahay AF GARAD ayaa cambaareeyay xadhiga Abshir
Xasan Xaashi oo dhowaan ay gudida nabad gelyada ee xaaraanta ahi ay ay
ku xukuntay xadhig sharci daro ah oo gaadhaya laba sano ah kaas oo ay
sheegeen in ay aamin san yihiin in uu u xidhan yahay Madaxtooyada.
Waxa kale oo ay ururkani hambalyo u direen saxaafada madaxa banaan oo ay
ku amaaneen adeega wareed ee ay bulshada gaadhsiiyaan, sidaasna waxa ay
ku sheegeen war saxaafadeed uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha ururka AF
GARAD Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaanu u qornaa sedan:
“Ugu horreyn, waxaanu salaan caam-ahaaneed u soo gudbinaynaa hurinta
saxaafadda ee ku hawlan waajib-gudashada qaran ee war-tebinta. Marka
xiga, waxaanu caddaynaynaa in aanu ka xunnahay xadhiga sharci-darrada ah
ee lagula kacay Muwaadin: Abshir Xasan Xaashi, oo qabitaankayaga u
xidhan qoyska madaxtooyada. Waxaanu u aragnaa ayaan-darro baaxad leh oo
ku habsatay qarankan curdinka ah. Waxaanu qabnaa in guddida
nabad-gelyadu tahay xaaraan aan xeerarka dalka iyo distuurka qaranka
meelna kaga jirin. Waxa xusid mudan in golihii wakiilada ee hore laalay
xeerka xukunka degdegga ah, halka guddoomiyihii maxkammadda sare ee
horena ku sifeeyay sharci-darro. Runtii, qodobkani waxa uu ka mid yahay
amuurihii ummaddu ka gilgilatay, kana dagaalantay, iyada oo xorriyadda
iyo caddaalada dhaafsatay kummanaan hanad. Sidaas darteed, waxaanu
maamulka Riyaale ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah xorriyaddiisii ugu soo
celiyaan muwaadinkaas, haddii dimuqraaddiyadda iyo xornimada aad
caalamka u sheegtaan dhab tahay.
Waxa kale oo aanu hanbalyo u diraynaa guud ahaan saxaafadda xorta ah ee
xaqa iyo samaha hiilka u fidisa. Waxaanu si gaar ah u bogaadinaynaa
Telefishanka raad-dhaqaajiska ah ee RAADTV INRENATIONAL, iyo
aasaasihiisa Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan labadaba. Waxaanu u rajaynaynaa
in uu noqdo mid ummaddu kaga kaaftoonto saxaafadda hebelada u adeegta ee
dadka dhego-barjaysay.
Wargayska Haatuf ayaanu isagana hanbalyo gaar ahaaneed u soo gudbinaynaa.
Tan iyo markii la aasaasay waxa uu ahaa hormuudka war-baahinta
xaq-u-dirirka ah ee dadka ka haqab-tira baahida wareed ee ay u hammuun
qabeen. Qormada taariikheed ee faydaysa xaqiiqada dadyawgii ku lug lahaa
hantaqooyinkii, hagardaamadii iyo hadimadii ummadda loo gaystay ee uu
maalmahan danbe wargaysku soo bandhigay ayaanu u aragnaa mid waqtigeedii
ku soo beegantay. Macnuhu maaha in hebello gaar ah loo jeedo, waxsay
digniin ugu filan tahay raga maanta tariikhda ka sinaysanaya oo ay
leedahay “Taariikhdu waa markaahtiye bal u tudha”. Wargayska haatuf-na
taariikhda ayaa baal dahabiya ku xusi doonta”.
Bileyska Berbera Oo Si Fool-xun U Xidhxidhay Suxufiyiinta Magaaladaas Ka
Hawl-gala Iyo Shixnad Lacag Ah Oo Ka Soo Degtay Halkaas
|
Berbera, June 19, 2008 (Haatuf) – Ciidamada Bileyska ee magaalada
Berbera ayaa shalay si foolxun ula dhaqmay suxufiyiinta magaalada
Berbera uga hawl-gasha warbaahinta kala duwan ee dalka, iyagoo xabsiga u
taxaabay ugu yaraan shan weriye oo wakhtigaas ku guda jiray hawshooda
suxufinimo, waxaana amarka xadhigga suxufiyiintaas bixiyey Taliyaha
Saldhigga Bileyska ee Madaarka iyo Dekedda Berbera.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, oo ka mid ahaa
suxufiyiinta shalay Berbera lagu xidhxidhay ayaa sida uu sheegay wuxuu
falkani dhacay kadib markii ay koox suxufiyiinta ka hawlgala Berbera ee
warbaahinta kala duwani subaxnimadii hore ee shalay tageen madaarka
magaalada Berbera, halkaas oo tan iyo maalintii dorraad ay ku sugnaayeen
ciidamo koofiyad cas ahi oo sugayay shixnad lacag ah oo sida la sheegay
xukuumadda uga soo degaysay madaarka Berbera, waxaanay markii ay soo
cago-dhigatay diyaaradii la sugayay ee sidday shixnadda ay ciidamo
bileys ahi budhadh hareeraha kala mareen suxufiyiintii goobtaas ku
sugnayd oo ku xareeyeen Rugta Bileysku ku leeyahay Madaarka Berbera,
hase yeeshee wax yar kadib ayay Bileysku ku wargeliyeen in taliyahoodu
ku amray in suxufiyiintaas laga qaado meesha oo loo dhaadhiciyo
Saldhigga dhexe magaalada Berbera, halkaas oo ay ku xidhnaayeen ilaa
11:30 duhurnimo ee shalay, iyadoo aan loo sheegin wax dambi ah oo ay
galeen iyo waxa lagu haysto toona, keliya loo sheegay inuu amarka
xadhigooda soo bixiyey Taliyaha Bileyska Madaarka iyo Dekedda Berbera oo
magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Jibriil Cabsiiye.
Hase yeeshee xadhigga suxufiyiintaasi intaas kuma joogsan ee waxay mar
kale bileyska Madaarku soo qabteen suxufiyiintaas oo mar labaad Madaarka
Berbera tegay markii ay koox kale oo suxufiyiin ahi ku soo wargeliyeen
in madaarka ay joogaan oo ay hawl-saxaafadeed ka jirto, waxaanay siday
suxufiyiintaasi sheegeen ciidanka bileysku ku qabteen barta kaantaroolka
Madaarka Berbera laga galo, iyadoo mar kale loo soo dhaadhiciyay
Saldhigga Dhexe ee magaalada oo lagu xidhay, kadib markii uu ninka
Taliyaha ka ah Rugaha Bileyska Madaarka iyo Dekeddu uu bileyska
Saldhiggaas u sheegay in amarkiisa lagu xidho, hase yeeshee toban
daqiiqadood kadib ayuu Taliyahaasi dib ugu soo laabtay saldhigga dhexe
isagoo amar ku bixiyey in weriyeyaasha kale la sii daayo balse xabsiga
lagu reebo weriyaha Haatuf, Axmed Aadan Dheere, isagoo weliba aflagaado
cay iyo cago-jugleynba u geystay weriyaha Haatuf.
Laakiin Suxufiyiintii la xidhnayd Axmed Aadan Dheere, ayaa iyagu diiday
qaabka foosha xun ee uu ninkaaas Taliyaha sheeganayaa ula dhaqmayo
suxufiyiinta, gaar ahaan weriyaha Haatuf, waxaanay ku wargeliyeen
inaanay xabsiga kelidood ka baxayn ee ay la xidhnaanayaan weriyaha
Haatuf ee uu sida gaarka ah takoorka iyo gefka ugula kacay Ninka
taliyaha lagu sheegayey, halkaas oo ay suxufiyiintaasi ku xidhnaayeen
ilaa Maqribnimadii shalay.
Taliyaha Qaybta Bileyska gobolka Saaxil, Maxamuud Ubaxle iyo Maayarka
magaalada Berbera, Cabdalle Maxamed Cali (Sandheere) oo abaaro 5:50
fiidnimo weriyeyaasha xabsiga ugu tegay, ayaa ku wargeliyay inay iska
baxaan iyagoo isla markaana muujiyay inay ka xun yihiin qaabka loola
dhaqmay, balse suxufiyiinta ayaa ku dacwiyey inay doonayaan in loo
sheego ama lagu caddeeyo dambiga ay sameeyeen ee ay ku mutaysteen in
sidaas foosha xun loola dhaqmo isla markaana xabsiga loo dhigo.
Waxa kale oo ay suxufiyiintu u sheegeen masuuliyiintaas inaanay jirin
cid masuul ah oo ku wargelisay inaan la tegi karin Madaarka iyo inay
dambi tahay qofka taga madaarku, sidaas darteed ay doonayaan in loo
caddeeyo dambiga ay galeen.
Ugu dambeyntii masuuliyiintaasi waxay suxufiyiinta ka raali-geliyeen
falka lagula kacay, iyo weliba sida gaarka ah ee loola dhaqmay weriyaha
Haatuf ee gobolka Saaxil, waxaanay suxufiyiinta u sheegeen inay u furan
tahay inay dacwad ka furtaan Maxkamadda.
Xukuumadda Daahir Riyaale ayaa muddooyinkii ugu dambeeyayba caadaysatay
xadhigga suxufiyiinta ay kula kacdo iyagoo aan wax dambi ah gelin,
iyadoo xeerka Saxaafadda Somaliland uu dhigayo inaan suxufiga la xidhi
karin isagoo ku guda-jira waajibaadkiisa suxufnimo, isla markaana uu
dastuurka Somaliland damaanad qaaday madax banaanida xoriyatal-qawlka.
Dhinaca kale Diyaarad ay leedahay shirkadda African Cargo ayaa 8:00
subaxnimo ee shalay soo cago-dhigatay madaarka Berbera oo ilaa dorraad
ay ilaalo ka hayeen ciidamo duub-cas oo watay gaadiidka tiknikada,
kuwaas oo diidayay inay ciddi gasho Madaarka.
Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadda Riyaale ka soo saartay shixnadda
ay diyaaraddani u sidday, hase yeeshee ilo xog-ogaal ah oo ku dhowdhow
laamaha dawladda ee ka hawl-gala Madaarka Berbera ayaa sheegay in
diyaaraddaasi ay xukuumadda u sidday shixnad lacag ah oo cusub Shillin
Somaliland ah oo dibadda lagu soo daabacay, taas oo aanay caddeyn xadiga
lacagta ee ay shixnadaasi ahayd, balse lagu qiyaasay lacag shillin
Somaliland ah oo u dhiganta 50 milyan oo doollarka Maraykanka ah.
Shixnaddan oo markii laga rogay diyaaraddii sidday lagu daadgureeyay
gawaadhida loo yaqaano Shaamboo-Xayraanka ayaa abaaro 1:00 duhurnimo ee
shalay ay ciidamo duubcas ah iyo gaadiidka tiknikada oo ay wateen loogu
soo gelbiyey dhinaca magaalada Hargeysa.
Madaarka iyo gudaha magaalada Berbera ayaa tan iyo doraad lagu arkaayay
masuuliyiin iyo xubno ka tirsan Sirdoonka Qaranka, iyadoo maalintii
shalayna Madaarka uu ku sugnaa gudoomiye ku-xigeenka Baanka Somaliland
Jaamac Cali Cilmi iyo xubno ka tirsan masuuliyiinta Laamaha Baanku ku
leeyahay magaalada Berbera.
Gaadiidlayda Istaanka Tagaasida Banka Hargeysa Oo Ka Qayliyey Go’aan
Xukuumadu Kaga Mamnuucday Habeenkii In Ay Shaqaystaan |
Hargeysa, June 19, 2008 (Haatuf) – Guddida istaanka taxilayaasha Banka
Hargeysa ayaa shalay aad uga qayliyey go’aan ay xukuumadda Somaliland ka
soo saartay inaanay gabi ahaanba ku shaqaysanin hebeenkii Istaanka
Baanka Hortiisa laga bilaabo Saacadu markay tahay 6.30 Saac fiidnimo
ilaa inta waagu ka baryayo.
Go’aankan lagaga mamnuucayo inay tagsiilayaashu dhigataan Baabuurtooda
habeenkii istaanka Baanka ayaa qaar ka tirsan tagsiilayaashu sheegeen in
aanaya garanayn sababta loogu diiday, maadaama oo ilaa dawladdii hore ee
Siyaad Bare ay ku shaqaysanayeen barxada Banka hortiisa.
Qaar ka tirsan gaadiidleyda tagsiilayaasha oo aanu wax ka waydiinay
arintan ayaa yidhi “ markii ay dhowaan ka bilaabmeen qaraxyadii isdaba
jooga ahaa ee ka dhacay magaalada Hargaysa ayey masuliyiinta bilaysku
nagu wargeliyeen in nabadgalyada darteed la nooga mamnuucay ku
shaqaysiga istaanka wakhtiga habeenkii, waxayna nagu yidhaahdeen laga
bilaabo saacada 6.00 waxaa amar laydinku siinayaa in aad gabi ahaanba ka
dhaqaaqdaan, barxada baanka Somaliland oo waligeedba noo ahaan jirtay
istaanka guud ee tagsiilayaasha magaalada Hargeysa.
Arintan ayaa waxay ku noqotay Tagsiilayaasha istaanka Banka mid ay la
yaaban yihiin isla markaana ay u arkaan dulmi lagula kacay muwaadiniin
shaqaysanaya oo cashuur bixiyayaal ah in loo diido barxadaas iska banaan
ee ay waligood ku shaqaysan jireen, waxaanay ugu baaqeen Xukuumada in
laga qaado xayiraada laga saarey istaanka.
Wakiilada Oo Loo Qaybiyey Wax Ka Bedelka Ay Guurtidu Ku Soo Samaysay
Xeerka Diiwaangelinta |
Muddada u dhaxaynaysa Doorashada koowaad iyo labaad ee soo socda waxay
talada soo jeedineed ka imanaysaa komishanka doorashooyinka Qaranka iyo
xisbiyada siyaasada, Golaha Guurtida.
Hargeysa June 19, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland oo
maalintii doraad shirgudoonku iskugu yeedhay kal-fadhi aan caadi ahayn
ayaa shalay si rasmi ah uu ugu furmay kal-fadhi aan caadi ahayni, taas
oo mudanayaashii ka soo xaadiray loogu qaybiyey madasha fadhiga nuqulka
wax ka bedelka iyo kaabista ay golaha Guurtidu ku sameeyeen lifaaqii
qodobada wax ka bedelka xeerka diiwaangelinta ee ay saddexda xisbi
heshiiska ku soo gaadheen taas oo golaha guurtida markii wax ka bedelka
iyo kaabis ku soo sameeyeen wax ka bedelkii xeerka diiwaangelinta
codbixiyeyaasha, ka dibna ay soo ansixiyeen golaha wakiiladuna ay ku soo
celiyeen.
Fadhiga shalay oo uu gudoominayey Gudoomiyaha golaha Wakiilada Md:
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay ka soo xaadireen mudaneyaal
tiradoodu gaadhayso dhawr iyo toban mudane ayaa waxaa fadhigaasi
mudanayaasha loogu qaybiyey qodobada xeerka diiwaanglinta cod-bixiyeyaasha
loogu qaybiyey qodobada xeerka diiwaangelinta cod bixiyeyaasha ee ay
golaha guurtidu wax ka bedelka iyo kaabista ay ku soo sameeyeen taas oo
ay sabtidii todobaadkan uu golaha Guurtidu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey
lifaaqaas xeer iyo kaabista ay ku sameeyeen, taas oo horana ay golaha
wakiiladu duudub ugu soo ansixiyeen qodobadii wax ka bedelka xeerkaas ee
ay komishanka iyo xisbiyadu ku soo heshiiyeen nuqulka wax ka bedelka ee
ay guurtidu ku soo samaysay lifaaqa xeerka oo uu ku saxeexnaa
Gudoomiyaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan oo mudanayaasha fadhigaasi
shalay loogu qaybiyey waxaa uu u qornaa isaga oo dhamaystiran sidan: “
N.B. faah-faahinta kooban ee lagu sameeyey oo haatana lagu habeeyey
lifaaqa wax ka bedelka (ku jira) waana sidan:-
Qodobka 1aad, saamaynta xeerka wax ka bedel.
Wax ka bedelkani waxa uu saameeyey si ku meelgaadh ah oo Hakin ah,
halkii ay ka ahayd laalis ayaa lagu bedelay hakin. Kalmaddii laalis
ayuunba loo bedelay Hakin.
Qodobka 11aad, xarafkiisa (B) Weedha u dhignayd muddada u dhaxaynaysay
doorashooyinka 1aad iyo 2aad ee soo socda waxaa go’aaminaya heshiis ay
wada gelayaan komishanka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyada Siyaasadu.
Waxaa loo bedelay Xubinta (T) oo ah sidani:- T) muddada u dhaxaysa
doorashooyinka 1aad iyo 2aad ee soo socda, waxaa ay tallada soo
jeedineed ka imanaysaa komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada
siyaasadeed;
Qodobka 12aad oo ka maqnaa meesha wuxuu noqonayaa; Muddada lagu dhaqmayo
lifaaqan xeer.
Lifaaqan xeer waxaa lagu dhaqmayaa oo kaliya is diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha
labadan doorasho ee ugu horeeya.
Qodobkii 12aad oo isu bedelay 13aad waxa uu noqonayaa (dhaqan galka
lifaaqa xeer).
Lifaaqan xeer waxaa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo golaha
Sharci-dejintu (Guurtida iyo Wakiilada) madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somalilandna saxeexo,”
Beesha Bariga Burco Sidee Bay U Aragtaa Sheekadii Ahayd “Hargeysa Ka
Baxa” |
Anigoo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha bariga Burco waxaan ra’yigayga
ka dhiibanayaa sheekadii Hargeysa ka baxa, taas oo loo arko hadallo ay
soo maleegeen rag ku xeel-dheer sida beelaha la isaga horkeeno,
waxaanuna u aragnaa inay ragga sheekadaa soo abaabulay yihiin rag
doonaya inay Somaliland burburto oo u shaqaynaya Wallaweynta oo raba
midnimo Somaliweyn, hase yeeshee raggaa waxaan u sheegayaa inaanay
hadalladaa liita ee ay soo maleegeen kuwa Somaliland neceb inaan dheg
loo jalaqsiin doonin, waayo wax qiimo ah oo ay leeyihiin aanu jirin.
Laakiin waxaan la yaabanahay rag wasiiro ah oo aad moodayso in loo
magacaabay cayda iyo aflagaadada beesha bariga Burco, balse raggaasi
waxay rabaan inay beelaha Isaaq kala kaxeeyaa, sheekada loo jeedaana ma
aha H/jeclo ee ka sii fog, waxayna salka ku haysaa hirgelinta midnimo
Somaliyeed, taas oo la doonayo in la mijixaabiyo Jamhuuriyadda
Somaliland.
Akhristayaal sheekada ka baxadu waxay hore uga dhacday Caasumadda
Somaliya ee Muqdisho, waayo waxa dhacday inay niman lagu xanto inay
shahaado u sitaan iska horkeenka beelaha ay maalin la shireen beesha
Abgaal oo uu ku yidhaahdeen Xamar waxa iska leh Abgaal, cadawgiinuna waa
Habar-gidir, ka dibna beesha Abgaal waxay bilaabeen inay fogeeyaan
beesha Habar-gidir, waana la ogyahay halka uu xaalku maanta marayo ilaa
ay sheekadu gaadhay in inta Xabashi la soo kaxaysto la yidhaahdo
Habar-gidir waa Argagixiso ee naga saara, sidaa darteed waxa maanta
beelaha Isaaq loo maleegayaa sun iyo Waabeeyo, waxaanse u sheegayaa
dadka doonaya inay Hargeysa caasumad noqoto inaanay ka cadhaysiinin
hadaladaa ay ku tiraabeen dadka aan miisaanka lahayni.
Beesha bariga Burco waxay isu aragtaa inay tahay hooyada Somaliland oo
ay kaga maqan yihiin wiilal qoor-dhaadheer oo aan tiradooda la koobi
Karin.
Sida la ogyahay ragga caytamay waxa ka mid ah suldaan Xiiray oo ku
hadlay wax laga naxo oo ka fog dhaqan suldaan, laakiin Suldaan Xiiray
waxaan leeyahay ma colaysiin kartid labada beelood ee H/jeclo iyo H/yoonis,
berigii dhowayd markii ay abaartu dhacday waxaan xusuustaa suldaan
Xiiray oo inta uu kamarad qaatay leh biyaha waa ina siiyey walaaleheena
reer Burco, biyahaasna waxa uu ka qaaday Dahab-shiil, ILma Faarax Xarbi
iyo ILma Indhadeero, laakiin hadana toban cisho ka bacdi ayuu hadana
waxaas ku hadlay , waxaanse leeyahay beesha uu Suldaan Xiiray ka soo
jeedaa waa beel qaali ah oo aan dhaqan u lahayn xag-xagashada iyo
qardoofaynta Tolka, waana beeshii iska diiday inay kala raacdo H/yoonis
iyo Ciidagale ee dhexda u noqday, iyagoo ka cararaya colaad iyo is-nacayb
dhex-yimaadda dadka Isaaqa, adiguse suldaan Xiirayo adigu..adigu.. adigu..
Mustafe Faarax Qoolaab, Burco
Mar Hadaanay Mucaaridku Taageerayaashoodii La Tashan Talana Weydiin Waa
Abaalkood Wixii Ku Dhaca |
Aniga oo ah Mujaahid ka tirsanaa ururkii SNM ee dalka ka xoreeyay
taliskii dhiigya-cabka ahaa ee Afweyne. Mujaahidiintaas oo loogu abaal
guday waxaanay geyin, laakiinse maalinteed ayaa iman doonta la is
xisaabin doono, waxa soo socdaa yaable.
Hadaba anigoo ah Muj Cumar Cabdulle Aadan, waxaab leeyahay xisbiga
Kulmiye isagoon taageerayaashiisii la tashan wax-na weydiin ayuu talo
goostay, oo mar labaad Madaxweynaha u rumowday awoodii ciidan ee uu kaga
adkaaday mucaaridka.
Hadaba waxaan uga baahanahay anigoo sanado badana ku qaylinayay waar
dhakhtar hala ii diro ayaan Madaxweynaha ka doonayaa inuu arrintaa ii
fuliyo ilayn cumar Asqo o dhakhtar loo diro qaranka waxba yeelimayso.
Muj Cumar Asqo
Top
|