Laba Kun Adhiya Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Deeqday
Djibouti Oo Ka Dhoofay Berbera
Farriimaha Xambaarsan Nacaybka Ee Reer Boorama Kula Dul Kufeen
Beelaha Dhexe, Mudaaharaadyadii Riigga Kadib, Ma Yihiin Kuwa Caafimaad Qaba?
Three wrongs don’t make a right
KULMIYE Oo Cayimay Wakhtiga Iyo Meesha
Lagu Qabanayo Shirkia Golaha Dhexe Ee Xisbiga
Puntland Ciidamo Xoogleh Soo
Dul-Dhigtay Magaalooyinka Badhan Iyo Laas-Qoray Iyo Weftigii Gudoomiye
Ku-xigeenka 2aad Ee Guurtida Oo Halkaas Iskaga Soo Baxay
Gabadh Ajnebi Ah Oo Xanuun Ka Qaaday
Libaaxii Cali Waran-Cadde Oo Isagoo Silsiladdaysan Ay Filim Ka Daawatay
Xafladdii 26 June Iyo Duuliyihii
Waddaniga Ahaa – Axmed Maxamed Xasan
Afhayeenkii Hore Ee Aqalka Cad Ee
Maraykanka Oo Cudurka Kansar U Dhintay
Dalalka Afrika Oo Ka Walaacsan Kulanka
Tahriibta Ee Ka Socda Paris
Suuriya Iyo Lubnaan Oo Dib U Soo
Ceshanaya Xidhiidhkoodii Diblomaasiyadeed
Kulan Dhex Mari Lahaa Ganacsatada
Xoolaha Iyo Madaxweyne Riyaale Oo Baaqday
Ciidamadii Laayey Dadkii
Mudaharaaday, Miyey Garan Waayeen Go’aankii Uu Qaatey Duuliye Sare Axmed
Dheere
Qurba-jooga Beelaha Sacad Muuse Oo
Taageeray Ku Dhawaaqista Gobolka Almis
Guddoomiyaha Guurtida Oo Mudaneyaasha
Ka Maqnaada Fadhiyada Ugu Hanjabay In Talaabo Adag Laga Qaadi Doono
|
|
Laba Kun Adhiya Oo Xukuumadda
Somaliland Ugu Deeqday Djibouti Oo Ka Dhoofay Berbera |
Berbera, July 14, 2008 (Haatuf) – Laba kun oo neef oo Adhiya oo ay
xukuumadda Daahir Riyaale ugu deeqday dawladda Djibouti, ayaa habeen
hore ka dhoofay dekedda magaalada Berbera.
Adhigan oo ay xukuumaddu Riyaale ku caawisay ciidamada dalka Djibouti oo
bishii hore ay dagaal iskaga horyimaadeen dalka Eriteriya, ayaa ka
dambeeyay booqasho uu dhawaan ku tegay Djibouti wefti uu hoggaaminayo
Daahir Riyaale hogaamiyaha xisbiga talada haya ee UDUB, socdaalkaas oo
ay labada xukuumaddood ee Djibouti iyo Somaliland ku kala saxeexdeen
heshiisyo dhawr ah, iyadoo uu hore u kala go’naa xidhiidhkii u dhexeeyay
labada dal.
Deeqdan adhiga ah ee Somaliland u dirtay Djibouti ayaa la sheegay inuu
gacanta ka gelin doono masuuliyiinta Djibouti gudoomiyaha Rugta
Ganacsiga Somaliland, Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo dorraad u duulay
dalka Djibouti si uu deeqdaas u gudoonsiiyo Xukuumadda Djibouti.
Deeqdan adhiga ah ayaa ah tii ugu horeysay ee ay Somaliland ku caawiso
dalka Djibouti, iyadoo ay dawladda Djibouti dhawr sanno ka hor
Somaliland ku caawisay mishiino kuwo laydhka ah oo gaboobay iyo
budhadhka ay ciidamada bileysku isticmaalaan.
Maamul-goboleedka Puntland ayaa isagu hore ugu deeqay dalka Djibouti
shixnad 3000 oo neef ah oo isugu jiray Adhi iyo Geel.
Farriimaha
Xambaarsan Nacaybka Ee Reer Boorama Kula Dul Kufeen Beelaha Dhexe,
Mudaaharaadyadii Riigga Kadib, Ma Yihiin Kuwa Caafimaad Qaba?
|
Faallo – Maxamed Cumar
Tan iyo markii ay dhammaadeen mudaaharaadyadii dhiiggu ku daatay ee ay
Hargeysa ku qabteen dhallinyaro ka cadhootay riig la sheegay in laga
kaxaynaayey degaankooda lana keeni lahaa degaanada Galbeedka, ayaa waxa
reer Boorama ka soo baxaya dhawaaqyo xambaarsan farriimo kala duwan oo
ku salaysan siyaasad wejiyo badan leh, lagana dheehan karo inay jiraan
nabarro aanay weli reer Somaliland ka bogsan.
Maalin kaddib markii ay dhammaadeen mudaaharaadyadaasi riigga ka dhashay,
ayaa waxa maalintii ku xigtay aan suuqyada Boorama ku arkayey
dhallinyaro u badan carruur iyo waxoogaa haween ah oo sitay boodhadh
kuna dhawaaqayey hadallo wax u dhimayey qarannimada Somaliland iyo
midnimada shacbiga, balse waxaan u qaatay uun inay ahaayeen caarruur la
khalday oo shaydaan ka hadliyey, falkooduna yahay uun mid aan wax ka soo
qaad lahayn.
Hase yeeshee farriinta dhallinyaradaasi maalintii dhoweyd ay gudbinayeen,
ayaan dareemay inay ahayd uun bilowga olole ka dhan ah beelaha ku nool
Gobollada kale ee Somaliland, ololahaasi oo marmarsiiyo looga dhigtay
“riiga Boorama la keeni lahaa bay diidayeen".
Markaad isbarbardhigto hadalada ka soo yeedhaya qaybaha kala duwan ee
reer Awdal, iyo qaybo ka mid ah qurbajoogga reer Boorama, iyo miisaanka
uu lahaa bannaanbaxa Hargeysa ka dhacay ayaa la is odhan karaa waa kaaf
iyo kala dheeri.
Reer Boorama, ayaa dareenka ay ka muujiyeen riig aanu Rayaale u soo
dirin, loo qaadan karaa olole siyaasadeed oo ay ka dambeeyeen
siyaasiyiinta xagjirka ah ee taageera xukuumadda Rayaale si dadweynaha
kale ee reer Somaliland loogu cabsi geliyo in Rayaale iyo Reer Awdal
la'aantood aanay Somaliland waxba noqon doonin, balse badi dadkaasi
waxay illawsan yihiin in Shacbiga Rayaale geeyay kursiga dalkan ugu
sarreeya ilaa maantana daafacayaa yihiin kuwa aan u dhalan degaanka
Awdal, ama Boorama, sidaa darteedna dareenkoodu wax weyn u dhimi doono
xukunka Rayaale.
Cid kastoo akhrisatay shabakadaha wararka ee reer Awdal maamulaan, iyo
cid kastoo maanta la sheekaysata shakhsiyaadka siyaasadeed ee taabacsan
siyaasadda Madaxweyne Rayaale, ayaad mooddaa inay isku raacsan yihiin
khalad kasta oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale u geysato sharciga iyo
shacbiga uu sax yahay, sidaa darteedna dilalka isdaba-joogga ah ee ku
dhacaya shicibka degaanada kale yahay mid waajib ku ah dawladda.
Hadalada ka soo yeedhaya salaadiinta, waxgaradka, iyo qaybaha bulshada
ee reer Awdal, ayaa dhinaca kale aad mooddaa inay illawsan yihiin
martabada reer Awdal ku gaadheen xasiloonida, taas oo aanay ka heleen
ama horeba uga helin xukuumaddii Afweyne iyo kuwii ka horreeyeyba, sidaa
darteedna aad mooddo in reer Boorama ka baxeen heshiiska lagu gaadhay
shirweynihii Boorama ee la iskaga saamaxay wixii xumaan ahayd ee soo
kala gaadhay reer Awdal iyo beelaha dhexe waayadii dagaaladii sokeeye.
Dhinaca kale waxaad mooddaa in hadaladan ka soo baxaya salaadiinta iyo
bulshaweynta badhkeed, inay illawsan yihiin mudaaharaadyadii iyo
taayiradii lagu shiday marxuum Cigaal mar uu booqasho ku yimid Borame,
isla markaana aanay jirin bannaanbax reer Hargeysa u dhan yihiin oo
lagala hortegay Rayaale intii uu xukunka hayey, haddiise reer Awdal
maanta oo 17 sannadood ka soo wareegtay xilligii qarannimada Somaliland
ku hanjabayaan waan ka baxaynaa Somaliland ma isweydiiyeen halka ay tegi
doonaan iyo cidda ay faraqa ku xidhan doonaan.
Farriimaha iyo digniinnaha naxliga xambaarsan ee ay beelaha dhexe ee
Somaliland u jeedinayaan qaar ka mid ah salaadiinta iyo siyaasiyiinta
reer Awdal, dawladduna ay barbartaagan tahay, ayaa dhinaca kale la odhan
karaa waxay bilow u yihiin cadaawad iyo jawi sumaysan oo ka dhex aloosma
bulshada reer Somaliland ee ku mideysnaa dawladnimada Somaliland taas oo
ay beertay xukuumada Riyaale.
Waa shay iska caadi ah in markastoo ay hadlayaan siyaasyiinta,
waxgaradka, salaadiinta iyo aqoonyahanada reer Awdal aanay marnaba xusin
xadgudubyada xuquuqda muwaadiniinta ee Rayaale ku hayo, kamana hadlaan
falalka maamul-xumada iyo caddaalad-darada leh ee lagu eedeynayo
xukuumadda Rayaale, kamana hadlaan sida sharciga dalka uu ugu tunto
Daahir Rayaale isagoo iska xidhxidha siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo
cidkastoo ka hadasha waayaha dalka ka taagan iyo naxariis darada
xukuumadda wakhtigan ay cashuurraha ku kordhisay Cuntada
quutal-daruurigii sicir-barabka loo iibsan kari la’yahay.
Sidoo kale shacbiga reer Awdal uma sinna ceebeynta iyo hanjabaadaha ay u
soo jeedinayaan dadyawga doonaya in dalkan isbeddel siyaasadeed iyo
horumar la gaadhsiiyo, waxana la odhan karaa taageerada reer Awdal ee
Madaxweyna Rayaale waa mid ku qotonta qabyaalad iyo gobolaysi ee aanay
ahayn waddanimo iyo Somaliland jacayl, farriimahan u dambeeyey ayaana
laga yaabaa in jacaylka Reer Awdal ee Madaxweyne Rayaale uu u soo jiidi
karo nacayb kaga yimaadda qaybo badan oo ka tirsan bulshoweynta reer
Somaliland , isla markaana ay u midoobi karaan sidii xukunka looga tuuri
lahaa wakhti kastoo doorasho ka dhacdo dalka.
Markaad dib u eegto sida loo soo habeeyey bannaanbaxaasi carruurtu ku
samaysay Boorama, iyo hadalada dhiifta leh ee ka dambeeyey, kuwaas oo
lagu baahiyo shabakadaha wararka ee ay Reer Boorama maamulaan, ayaa la
is odhan karaa waa kuwa ay soo abaabuleen kooxo taageera xukuumadda
Rayaale, sidaa darteedna aan la odhan karin waa kuwa ay ka dambeeyeen
mucaaradka gobolkan ka jira oo la ogyahay sida cagta hoosteeda loo
geliyey iska dhaaf mudaaharaad ay soo abaabulaan’e.
Wax lala yaabo maaha in markastoo dabaylo siyaasadeed ku kacaan
Madaxweyne Rayaale, ay dhinaca kale magaalada Boorama laga kiciyo
dabaylo siyaasadeed oo Somaliland-diidnimo ka muuqato, sidaa darteedna
ay bulsho dhan ku ceebeeyaan fal aanay u dhammayn oo ka dhan ah
siyaasadda Dawladda, balse ay u habboonayd inay kala reebaan cidda
Rayaale ka cadhaysiisay iyo cidda ka farxisay ee Hargeysa ku wada nool.
Cuqaasha ku hadashay afka beelaha reer Borame , iyo carruurta iyo
haweenka ku baaqay Somaliland-diidnimada, ayaa waxa u habboonayd inay
kala reebaan ciddii ku kacday falka mudaaharraadkan oo ahayd koox
dhallinyaro ah oo ka cadhootay riig laga kaxeeyey, ee aanay ahayn inay
bulsho dhan ka dhigaan kuwo Rayaale cadow u ah, sida ka muuqata afkaarta
kala duwan ee ka soo burqanaysa waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Awdal,
haddiise ay sidan ku sii wadaan waxa dhici karta in dadweynaha beelaha
dhexe lumiyaan dulqaadkii, soo dhaweyntii iyo doorashooyinkii uu Rayaale
ku joogay caasimadda, isla markaana ay dhici karto in nimcada iyo
madaxtinnimada reer Awdal ka heleen Somaliland wakhtigan nabadgelyada
laga yaabo inay mustaqbalka dagaalna ku waayaan haddii aanay beddelin
dareenka cadaawadeed ee ay u hayaan beelaha dhexe ee Somaliland.
Farriimaha isdabajoogga ah ee ay ku durayaan beelahaasina yihiin
farriimo sumayn kara caafimaadka, wada-jirka shacbiga iyo qarannimada
Somaliland.
Three
wrongs don’t make a right |
Editorial
Somaliland Times, Issue 338, July 12, 2008
Three wrongs don’t make a right
When the United Arab Emirates’ Red Crescent
donated water drilling rigs to Somaliland, they almost certainly never
thought one of those rigs would cause deaths and injuries. Unfortunately,
that was exactly what happened in Monday’s demonstration in Hargeisa
where two demonstrators were killed and a score of demonstrators and
police were injured. The immediate cause of the demonstration was the
government’s decision to move the rig from Hargeisa to another location.
The government’s rationale for stopping the digging in south of Hargeisa
and moving the rig to another location was that they had come up against
a technical problem and were awaiting more equipment from Abu Dhabi, and
that in the meantime they did not want the rig to sit idly and were
moving it temporarily so they could search for water somewhere else. The
problem here is that the government’s explanation was provided only
after the damage was done. Moreover, the government’s explanation was
often inconsistent.
The bottom line is that the government made an
important decision without thinking about possible consequences and
without explaining its plans to the community beforehand.
No doubt the decision to move the rig was a hasty
one, and the demonstrators had every right to object to it. The
demonstrators, however, were wrong to throw stones and burn tires; they
were also wrong because sometimes they sounded as if they were riled
about the rig possibly being moved to the president’s hometown (Borama)
rather than it being moved per se.
Of course the police too were wrong to fire on the
demonstrators and should have used better methods of crowd control. All
in all, the government, the demonstrators, and the police were wrong in
the way they handled the situation before, during and after the
demonstration. And three wrongs don’t make a right.
KULMIYE
Oo Cayimay Wakhtiga Iyo Meesha Lagu Qabanayo Shirkia Golaha Dhexe Ee
Xisbiga |
Hargeysa, July 14, 2008 (Haatuf) – Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee
KULMIYE ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhtiga la qabanayo shirka
koowaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga, kaas oo dib loo dhigay muddo saddex
bilood ah, waxaana loogu baaqay xubnaha Golaha Dhexe ee xisbigaas, guddo
iyo dibadba inay ka soo qaybgalaan Shirka Golaha Dhexe ay sheegeen in
lagu qaban doono magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, 29ka July
oo ay ku egtahay muddadii 3da bilood ahayd ee dib loo dhigay.
Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga oo lagu dooran doono Musharraxiinta
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxa lagu baahiyey wakhtiga iyo
meesha lagu qabanayo wargelin rasmi ah oo uu shalay soo saaray Guddida
Qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga iyo weliba shuruudaha looga
baahan yahay xubnaha u tartamaya musharraxiinta xisbiga.
Wargelintaas oo ay ku saxeexan tahay Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ah
Guddoomiye ku-xigeenka Guddida, waxa ay u qoran tahay sidan:
“Iyadoo la tix raacayo go’aankii shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga ee ku
qabsoomay Ambassadoor Hotel 29kii Abril 2008, ee dib loogu dhigay shirka
golaha dhexe ee xisbiga muddada 3da bilood ah, waxa guddida
qaban-qaabada shiraka golaha ee xisbiga Kulmiye uu ku wargelinayaa.
Dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye , qaybtii shirweynaha
lagu ansixiyey iyo qaybtii dib uga dhacday ama aan magacyadooda la soo
gudbin labadaba meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba in shirkii
golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 29/07/2008, laguna qaban doono
magaalada Burco ee gobolka Togdheer, sidaa darteed ay sidaa ula socdaan
una diyaar garoobaan.
Xubnaha golaha dhexe si guddida qaban-qaabadu u horgeyso shirka golaha
dhexe ajande dhamays tiran in ciddii danaynaysa ama doonaysa inay
xisbiga dhexdiisa, uga tartanto murashaxnimada jagooyinka MADAXWEYNAHA
iyo MADAXWEYNE KU XIGEENKA ee xisbiga uga qayb gelaya doorashada
madaxtooyada ee dalka ka dhici doona 20/03/2009, inay soo xereeyaan
CVyadooda iyo Araajidooda kuna soo hagaajiyaan guddida qaban-qaabada
muddo toddoba maalmood gudohood ah oo ka bilaabmaysa 14/07/2008 kuna eg
21/07/2008 wixii faahfaahin dheeraad ahna waxay kala xidhiidhayaan
xarunta xisbiga”.
Puntland
Ciidamo Xoogleh Soo Dul-Dhigtay Magaalooyinka Badhan Iyo Laas-Qoray
Iyo Weftigii Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad Ee Guurtida Oo Halkaas
Iskaga Soo Baxay |
“Haddii la doonayo Somaliland qarannimadeeda waa in lala soo gaadho gurmad
degdeg ah degaanka si looga hortago maleeshiyadda Puntland”
Hargeysa, July 14, 2008 (Haatuf) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa shalay
gelinkii dambe ciidamo xoogleh oo wata gaadiid farabadan oo tikniko ah
soo dul-dhigay magaalooyinka Badhan iyo Laas-qoray oo ka tirsan bariga
gobolka Sanaag, waxaana la sheegay inay ciidamadaasi halkaas yimaadeen
kadib markii ay ciidamada qaranka ee Somaliland ay dib uga soo baxeen
magaalada Laas-qoray oo ay toddobaadkii ina dhaafay gacanta ku hayeen,
iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay ciidamada Somaliland dib uga
soo laabtaan Laas-qoray, inkastoo ay wararku xaqiijiyeen inay magaalada
Laas-qoray ku hadheen xoogay ciidamo efentari ah oo dhowaan laga
qarameeyay degaamada bariga Sanaag.
Maleeshiyada Puntland ee timi magaalada Laasqoray iyo ciidamada degaanka
ee halkaas kaga hadhay ciidanka Qaranka Somaliland, ayay wararku
sheegeen inay shalay galab ku sigteen inay isku dhacaan, kadib markii ay
Maleeshiyadda Puntland amar ku bixisay inay ciidamadaasi ka baxaan
magaalada, hase yeeshee waxaa la sheegay inay arrinta ay markii dambe
soo dhex galeen odayaal ka tirsan degaanka Laas-qoray, kuwaas oo kala
dhexgalay labadan ciidan, walow ay Maleeshiyada Puntland ka timi oo aad
u hubaysani ku hanjabeen inay weerari doonaan ciidanka Somaliland ka
jooga Laas-qoray.
Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Guurtida, Siciid
Jaamac Cali iyo wefti uu hoggaaminayo oo beryahan socdaal ku joogay
magaalooyinka Laas-qoray iyo Badhan, ayaa xalay caweysinkii la sheegay
inuu ka soo baxay magaalada Badhan oo hadda ku sugnaa, kadib markii ay
shalay halkaas soo degeen ciidamo xoog badan oo ka tirsan Puntland,
kuwaas oo la sheegay inay wataan tikniko lagu qiyaasay ilaa 35 gaadhi oo
kuwa dagaalka ah.
Ciidanka Puntland ee yimi duleedka Badhan ayaa la sheegay inuu
hogaaminayo nin degaanka Bariga Sanaag u dhashay oo la yidhaahdo Siciid
Gorayo-cawl oo hore uga baxsaday ciidamada Qaranka Somaliland.
Gudoomiye ku-xigeenka 2aad Guurtida oo aanu khadka telefoonka kula
xidhiidhnay ka hor intii aanu ka soo bixin Badhan, ayaa noo xaqiijiyay
inay maleeshiyo xoog leh soo dul-degtay magaalooyinka Badhan iyo
Laas-qoray, isagoo dhinaca kalena sheegay in ciidankii qaranka
Somaliland oo watay tikniko farabadan uu magaalada Laas-qoray ka soo
baxeen saddex maalmood ka hor, taasina ay keentay inay maleeshiyadda
Puntland ku soo dhiiradaan inay yimaadaan Laas-qoray iyo Badhan.
Mr. Siciid Jaamac waxa uu xusay in magaalada Laas-qoray ay ku sugan
yihiin waxoogay ciidanka qaranka ah oo ka soo jeeda degaanka, kuwaas oo
aan haysan awood ku filan oo ay iskaga difaacaan maleeshiyada Puntland
ee weerarka ah, waxaanu ku baaqay in lala soo gaadho gurmad ciidan oo ka
hortagga weerarka Puntland ee gar-darrada ah.
“Haddii la doonayo Somaliland qarannimadeeda waa in lala soo gaadho
gurmad degdeg ah degaanka si looga hortago maleeshiyadda
maamul-goboleedka Puntland,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Jaamac.
Maalmihii u dambeeyay waxaa degaanada ku dhowdhow Laas-qoray ka jiray
dhaqdhaqaaqyo milateri oo lagu baadi-goobayay dad ajnebi ah oo ay koox
budhcad badeed afduub halkaas ugu haysteen, waxaanay ciidamada Qaranka
Somaliland oo degaanadaas ku ruqaansaday isku dayayeen inay soo
badbaadiyaan dadka halkaas qafaalasho loogu haysto, iyagoo maalintii
Salaasadii gacanta ku dhigay gebi ahaanba magaalada Laas-qoray oo aan
wax iska horimaad ahi ka dhicin, kadib markii ay ciidamo tiro yar oo
halkaas ka joogay Puntland ay iskaga baxeen.
Hase yeeshee dorraad ayay ahayd markii idaacadda BBC-da laanteeda Afka
Soomaaligu ay sheegtay in ciidamada Qaranka Somaliland ay ka baxeen
magaalada Laas-qoray, balse wasiirka Difaaca Somaliland Cabdillaahi Cali
Ibraahim ayaa isla markiiba si kulul u beeniyay, waxaanu sheegay in
aanay jirin ciidamo Somaliland ah oo ka baxay Laas-qoray.
Ilaa hadda lama ogga sababta keentay inay ciidamada qaranku ka soo
baxaan magaalada Laas-qoray, iyadoo weli ay kooxdii budhcadda ahayd
degaankaas ku haystaan dadkii Ajnebiga ahaa ee ay soo afduubeen.
Gabadh
Ajnebi Ah Oo Xanuun Ka Qaaday Libaaxii Cali Waran-Cadde Oo Isagoo
Silsiladdaysan Ay Filim Ka Daawatay |
Hargeysa, July 14, 2008 (Haatuf) – Gabadh magaceeda la yidhaahdo V.
Watson ayaa qoraal ay toddobaadkii hore u soo dirtay Wargeyska
Somaliland Times waxay ku sheegtay inay aad uga naxday markii ay Filim
laga soo duubay dalka Somaliland ay ku daawatay Libaax silsiladaysan oo
labadii lugood ee hore laga xidhay.
Gabadhani may sheegin dalka ay ka soo jeedo, laakiin waxay tidhi “Waxaan
ahay qof aad u jecel inuu wax ka ogaado dalalka iyo dadyowga kale, aniga
oo markasta maanka ku haya suurto-galnimada in aan mar uun booqasho ku
tago. Waxaan daawaday Filimka Holidays In Places That Don’t Exist –
Somaliland, laakiin murugadii iigu xanuunka badnayd ayaa iga raacday
filim-kaasi kadib markii aan arkay sawiradii laga qaaday meel ka mid ah
Somaliland oo ugaadhi ku xaraysan tahay gaar ahaan Libaax yar oo labada
lugood ee horeba ka silsiladaysan.”
Gabadha V. Watson waxay sheegtay inay aad uga naxday Libaaxa yar ee
biraha qafiska ah silsilada loogu xidhay. Iyadoo arrintaasi ka
hadlaysana waxay tidhi “Saddex cisho ayaa ka soo wareegtay markii aan
daawaday filimkaasi, laakiin waxaan hurdada ka ladi waayey muuqaalkii
murugada lahaa ee aan arkay kaas oo ahaa Libaaxa yar ee lugaha ka xidhan,
waxaanan isweydiiyaa tolow ilaa muddo intee le’eg ayuu sidaa ahaa, tolow
sideebuu wax u cunnaa ama wax u qabsadaa. Waxaan la gam’i la’ahay sida
arxan-darrada leh ee loola dhaqmay xayawaankaa.”
Filimka ay gabadhu ka hadlayso oo la qaaday sanadkii 2004 ayaa waxa uu
ka mid ahaa 6 filim oo laga duubay 6 dal oo aan wali la aqoonsan sida
Somaliland, Taiwan, Abkhazia, Trans-Dniester, Nagorno-Karabakh iyo South
Ossetia.
Filimadan oo ahaa nooca documentary-ga loo yaqaano waxaa fikraddooda
lahaa suxufiga British-ka ah ee Simon Reeve kaas oo jaa’isado caalami ah
ku helay, iyadoo filimkan laga daawaday dalalka aduunka intooda badan
afartii sanadood ee u dambeeyay.
Dadka faaqida arrimaha Aflaamta documentary-ga ah iyo dadkii daawaday
silsiladdan Simon Reeve ayaa waxay isku raaceen in qaybta ku saabsan
Somaliland ay ahayd ta ugu xiisaha badneyd ee soo jiidatay dareenkooda,
waxaan shaki ku jirin in filimka Places That Don’t Exist – Somaliland uu
dad badan oo dunida ku nool uu dareensiiyey jiritaanka dal la yidhaahdo
Somaliland, oo inkastoo uu buuxiyey dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan
lahaa haddana wali laga hor taagan yahay inuu ku biiro dalalka caalamka
ee madaxa banaan.
Haddaba gabadhan V. Watson oo laga yaabo inay ka mid tahay dadka u dooda
daryeelka xuquuqda ugaadha ayaa waxay wali ka naxsan tahay silsiladda ku
xidhnayd Libaax yar oo ka mid ahaa ugaadh xiligii filimka la qaadayey ku
xareysnayd Beerta wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee
Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Haddaba suxufi ka tirsan wargeyska Haatuf oo isagu gadhwadeen u ahaa
qoladii filimka qaybtiisa Somaliland samaynaysay ayaa waxa uu noo
sheegay inay sawirada ugaadha ugu talo galeen si ay u soo jiitaan
dareenka daawadayaasha, isla markaana dunida u tusaan in Somaliland ay
tahay meel nabdoon oo xataa ugaadhii ku soo laabatay. Suxufigan oo
hadalkiisii sii wataana waxa uu yidhi “Waxay I weydiiyeen Zoo ama beerta
xayawaanka lagu carbiyo ma leedihiin, waxaanan ugu jawaabay maya ee
waxaa jirta beer gaar uu u leeyahay nin reer Somaliland ah oo wasiir
ahaan jiray. Markii aan weydiiyey waxa ay ugaadha uga baahan yihiinna
waxa uu Simon Reeve ii sheegay inay ku macaanaynayaan Filimka isla
markaana joogitaanka ugaadhu ka marag kacayo nabadda iyo xasiloonida ka
jirta Somaliland. Dabadeedma isaga oo qoslaua ayuu yidhi mida kale dee
in aynu Afrika joogno yaa inaga siisanaya haddii filimka wax ugaadha
ahba lagu arki waayo.”
Laakiin gabadhan dharaarta dhawayd filimkaasi daawatay ee leh waxaan ka
seexan waayey libaaxii yaraa ee Cali Warancadde, ayaa waxay qoraalkeeda
ay u soo dirtay wargeyska Somaliland Times ku sheegaysaa inay doonayso
inay wax ka ogaato halkii uu Libaaxaasi ku dambeeyey, waxayna odhanaysaa
“Ma iloobi karaayo oo fadhi iima eeka ilaa aan ogaanayo inay jirto cid
arrintan baadhitaan ku sameyn karta, ama wax ka qaban karta. Waxaan
isweydiinayaa tolow ma jirtaa cid caawin karta xayawaankan miskiinka ah?
”
Iyadoo hadalkeedii sii wadata V. Watson waxay tidhi “Cadad hore oo
wargeyskiina ah waxaan mar ka akhriyey war ku saabsan libaax gabadh
dilay. Dadka qaar waxay ku doodi karaan in sida kaliya ee libaax wax
dilay lagu ciqaabi karaa ay tahay iyada oo libaaxyada kale la xidh-xidho.
Laakiin taasi waa arrin khaldan. Beerta Xayawaanka waxa loo samaystaa si
ay dadku u daawadaan quruxda Illaahay ku manaystay makhluuqaadkaasi,
laakiin maaha meel Xayawaanka lagu ciqaabo. Waxaana kolayba jira siyaabo
badan oo dadka iyo xoolahaba looga ilaalin karo ugaadha Libaaxu ka mid
yahay ee mawaashida iyo bani’aadamkaba weerarta, waxaana inta silsilad
lagu xidhayo ka qurux badan in xero deyr ku wareegsan yahay loo sameeyo”.
Gabadhani waxay hadalkeedii ku soo gebagebaysay “Tolow Somaliland ma
leedahay cid isku hawsha xanaanada Ugaadha oo arrintan wax ka qabata?
Hore ayaa loo yidhi xadaaradda iyo heerka ilbaxnimo ee ummad kasta waxa
lagu qiyaasaa sida ay kolba ay ummadaasi ula dhaqanto waayeelkeeda iyo
duqaydeeda iyo waliba Ugaadheeda.”
Xafladdii
26 June Iyo Duuliyihii Waddaniga Ahaa – Axmed Maxamed Xasan
|
W/Q: Axmed Iid Aadan
Toddobadii fiidnimo ee 24ka Juun, 2008 laydha qabow ee dhacaysaa
fiicanaa. Waxa la moodaa hawada dhexdhexaadka ah ee soo dhacda marka uu
galinka dambe roobku qaado oo kale. Dadka huteelka Imperial ee magaalada
Hargeysa ku sii qulqulayaa fara badanaa. Niyadsamaa, oo haddana dareenka
wajiyadooda ka muuqdaa fiicanaa. Qof kasta oo meesha soo maraa, haddii
aanu hore u sii warqabin, marka uu indhaha ku dhufto dadka iyo gaadiidka
faraha badan markiiba waa uu garanayaa in ay wax jiraan! Haddaba maxaa
jira?
Waxa jiraa shirweyne xisbi ma aha, shir jaraa'id uma dhowa, kulan
siyaasadeed ma aha, wefti meesha kuma soo degin, wanqal gobol cusub oo
la magacaabay ku saabsanna ma aha sida beryahan dambe cusub. Maya, ee
wanqal hadalkeedba ha soo qaadin, waayo halkani meel ay hadda arrintaasi
ka jirto ma aha, maxaa yeelay weligeedba waxay soo ahaan jirtay caasimad
weyn oo lama dhaafaan ah. Haddaba waa maxay? Waa xaflad aad iyo aad u
qiime badan oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada AFGARAD iyo MIDNIMO; taas
oo lagu maamuusayo duuliyihii waddaniga ahaa ee soomaaliyeed, mudane
Axmed Maxamed Xasan. Waa xaflad taariikhi ah oo aad u qiime badan.
Muddo yar kaddib isla goortaa aynu kor ku soo sheegnay waxaa buuxsamay
hoolkii weynaa ee xafladda lagu qabanayey, dadkana markii aan u
fiirsaday waxaa la moodayey in uu qof kastaaba is-lahaa, yaanay meeshu
kaa buuxsamin. Iyada oo ay ka qayb galayaashu meelihii ama kuraastii
habaysnayd ee loogu tala galay fadhiyaan ayuun baan mar keliya arkay
dadkii oo wada taagan, sacabna si weyn isula helay. Yaa la arkay? Waxaa
la arkay oo soo galay nin dheer oo suudh midabkiisu boodhe u dhow yahay
xidhan, oo ay haybadi ka muuqato. Cumar Usteeliya ayaa odhan jiray: "Caawuu
gadhkaygii dhafmay oo, dhabannada i buuxshay. " Waa nin cas oo gadh isku
jooga oo dhafmay leh, waxana la socota mas'uuliyiin badan oo reer
Somaliland. Waa mudane Axmed Xasan Maxamed, halyeygii daacadnimada iyo
waddaninimada qaaday; duuliyihii sharafta lahaa ee diiday in uu ka qayb
qaato xasuuqii iyo dilkii lagu waday dadkiisa sannadihii siddeetannadii
qarnigii tegey. Cod dheer iyo af buuxa aan mar kale ku idhaahdee, waa
Axmed Maxamed Xasan, halyey taariikhda baal dahab ah ka galay.
Markiiba mudane Axmed Maxamed Xasan iyo mas'uuliyiintii kale ee la
socotayba waxay fadhiisteen halkii loogu talagalay marti-sharafta iyo
dadka tixgelinta mudan ee aadka loo qaddariyo - meel si saf ah loo
habeeyay oo halka ay dadka xafladda ka soo qayb galay fadhiyaan ka soo
horjeedda, boodhka farshaxanka lagu qoray ee ujeeddada xafladda
caddaynayana in yar ka soo horeysa. Sidaas ayey barnaamijyadii xafladda
oo uu barnaamijka Qur'aanka Kariimka ahi ugu horreeyaa ku bilaabmeen.
Waxay ahayd mid ka mid ah xafladaha la qabto kuwa ugu qiimaha badan.
Waxay ahayd mid la xidhiidha wanaag, abaal iyo sharaf, ee siyaasad iyo
wax la mid ah shuqul kuma ay lahayn. Inta aan hadda ka haleelo dadkii
aan arkayey ee ka soo qayb galay waxna ka yidhi madasha waxaa ka mid
ahaa mudanayaasha kala ah Cabdicasiis Samaale, Muuse Biixi Cabdi,
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Dr. Axmed Xuseen Ciise, abwaan Dacar,
abwaan Axmed Aw Geeddi iyo mas'uuliyiin, suxufiyiin iyo waxgarad kale oo
badan. Si weyn ayaa looga qayb galay xafladdaa iyada ah.
Mas'uuliyiintii xafladda ka qayb gashay waxay sheegeen in uu duuliye
sare, Axmed Maxamed Xasan yahay nin taariikhda baal dahab ah kaga jira,
isla markaana diiday in uu ka qayb qaato falal gurracan oo dad
walaalihiis ah oo aan waxba galabsan si gef ah loogula kacayey.
Xilliyada ay dhibaatooyinku jiraan ayey dadku kala baxaan, go'aanka adag
iyo ka kalena aad loo kala gartaa. Marka dhinacyo dhawr ah laga eego
xaaladihii jiray iyo sida ay soomaalidu tahay, Mudane Axmed Maxamed
Xasan waxa uu qaatay oo uu fuliyey go'aan geesinimo oo ilaa naf-huris ku
siman. Go'aan aanu qof kastaaba ku dhaqaaqi karin qof Eebbe garasho sare
iyo dadnimo fiican ku galladay mooyaane.
Waxaan odhan karaa, way yar tahay sida Soomaalida dhexdeeda looga helo
qof daacadnimada Axmed oo kale lehi. Bilihii Juun iyo Julaay ee 1988-kii
waxaa la sheegay in ay dayuurado magaalada Hargeysa ka kaceen si ay u
rusheeyaan isla magaalada lafteeda. Duyuuradahaa midi duqayntii kama ay
qayb qaadan, oo waxay ahayd tii uu duulinayey mudane Axmed, qaarna si
baas ayey sida la sheegay wax u duqeeyeen. Maalin keliya ayuu nina
taariikhda ku galay halyey daacada oo wax bedbaadiya, qaar kalena
gacan-ku-dhiiglayaal aan waxba dhaafayn. Waa arrin waqtigu xukumi doono.
Laba arrimood baa mudan in aynu sheegno inta aynaan halkan dhaafin.
Midda hore waxay ku saabsan tahay arrimaha ciidammada. Dadka arrimahaas
aqoonta u leh qaar ka mid ahi waxay mararka qaarkood sheegaan in amar
millatari oo uu qof derejo ciidan oo sare lehi fulin waayo ama diido
lagu mutaysan karo ciqaab adag oo mararka qaarkood dil noqon karta. Amar
ciidan in uu toos yahay iyo in uu gef yahay waxa maamullada aan
wanaagsanayn uga muhiimsan in la fuliyo oo keliya.
Arrinta labaadna waa arrin cilmi ah waxayna la xidhiidhaa taariikhda.
Dadku inta badan marka taariikh laga hadlayo waxay taariikh moodaan wax
kasta oo dhaca, iyo wax kasta oo muddo badan iska socda. Laakiin wax
kasta oo sidaas ahi mararka qaarkood taariikh ma noqdo, diiwaannadeedana
kuma qormo. Waxay in badan noqon karaan sheeko iyo wax la mid ah oo laga
gudbo. Waxa taariikh noqda dhacdooyinka ku taxma dhacdooyin kale, ama
iyaga qudhoodu noqda kuwa saamayn ku yeesha xaalado kale ama fekerka
dadweynaha. Waqtigu in uu badnaadaa muhiim aha, oo dhacdooyin saacado
ama maalmo yar socday ayaa diiwaannada mararka qaarkood si weyn u gala,
halka kuwo in badan socdayna aan la xasuusanba.
Haddaba go'aankii uu maalintaa qaatay mudane Axmed waxa uu noqday mid
diiwaanka taariikhda si weyn baal dahab ah uga galay, isla markaana ku
taxan dhacdooyinka taariikheed ee aan la illaawi doonin tan iyo inta ay
dad badan oo reer Somaliland ah iyo soomaalida kale ee wanaagga jeceliba
nool yihiin. Mar waa go'aan taariikhi ah marna waa go'aan geesinimo ah
oo ilaa nafhuris ku siman sida aynu ku soo sheegnay labada qodob ee
arrimaha ciidammada iyo taariikhda ku saabsan. Waa la xasuusnaan doonaa
magaca walaalkeenna sharafta leh, Axmed Maxamed Xasan.
Soomaalidu inta badan ma sheegto wanaagga uu qofku sameeyo inta uu nool
yahay maalinta uu allaysto mooyaane. Xafladdani laakiin sidaa ma ay
ahayn, oo hadalladii halkaa laga yidhi haddii aan qaar ka soo qaato
waxaa ka mid ahaa, " Geesigu ma aha qofka dadka laaya, ee waa ninka
dadkiisa bedbaadiya ama nooleeya" iyo "Dadka tolnimo isma raaciso, ee
waxaa si dhab ah isu raacsha kolba mabda' wanaagsan ee ay aamminsan
yihiin. Axmed Maxamed iyo qof kasta oo wanaaggaa ku raacsaniba waa
ilma-adeer" iyo qaybo kale oo badan.
Sida la wada garanayo qofku marka uu mas'uuliyad qaran qaadayo waxa uu u
dhaartaa in uu dadkiisa si ay daacadnimo ka buuxdo ugu shaqayn doono,
wanaaggooda iyo badbaadadoona ku dadaali doono. Sidaa waxa ka dhabeeya
uun qofka garashada sare leh, ee qof kastaa kama run sheego. Mudane
Axmed markii codbaahiyaha lagu soo dhoweeyay waxa uu sheegay in uu
go'aankiiisu arrintii uu u dhaartay iyo bedbaadada dadkiisa daarnaa, ee
aanu wax kale la xidhiidhin. Waa run taasi. Qofku marka uu waajibkiisa
si daacadnimo ku jirto u garto dadkuna waxay u gartaan tixgelin, maamuus
iyo sharfid dheeraad ah. Xafladdan iyo ka mahadcelinteeduna in ay
halkaas la xidhiidho ayaan ku doodi karaa.
Lama soo koobi karo hadalladii qiimaha badnaa ee ay mas'uuliyiinta
sarsare soo jeediyeen, suugaantii iyo murtidii meesha lagu soo qaaday oo
dhan. Waxaanse qayb inooga soo qaadayaa maanso dheerayd oo mawduucaa la
xidhiidha oo uu xafladda ka tiriyey abwaan Axmed Aw-Geeddi (Dheeraad).
Maansadaasi waxay soo baxday xilliyadii halganka, waxana la yidhaahdaa "Weli
dunida kama dhicin". Maansadan waxaan nasiib wanaag markii dambe ka
helay kana soo xigtay iyada oo qoran qoraalladii qoraaga Khaalid Jaamac
Qodax, ee magaciisu ahaa "Suugaan xul ah iyo abwaan Axmed aw Geeddi";
kuwaas oo ku soo baxay bogga caanka ah ee Redsea-Online. com. Ujeeddada
iyo murtida maansada ku jirta akhristayaasha ayaa loo dhaafayaa, waana
tan:
Weli dunida kama dhicin
Dawlad maatideedii
Kaare dulundulceeyiyo
Madaafiic dillaantiyo
Ku duqaysa maadhiin
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideedii
Hub is-daaddaheeyiyo
Diiradliyo gamuuniyo
Ku daqiiqda Naabaal
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideedii
Subax mooro duugtoo
Guryahoodii dumisoo
Rabta iney diboodaan
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideedii
Ciidankii dalkoodiyo
Daraawiish ku saartoo
Ku dabbaasha haawey
Wali dunida kama dhicin
Dawlad maatideediyo
Ooryaheeda dooxdoo
Dhallaankeeda dubatoo
Dabar goysa waayeel
Wali dunida kama dhicin
Diyaaraad kacaayoo
Geggedey ka duuleen
Dib u guba magaalada
Iyo dagaladoodii
W/Q: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail. com
Hargeysa, Somaliland.
Afhayeenkii Hore Ee Aqalka Cad Ee Maraykanka Oo Cudurka Kansar U
Dhintay |
Washington, July 14, 2008 (W. Wararka) – Afhayeenkii hore ee Aqalka Cad ee
Maraykanka Tony Snow ayaa u dhintay cudurka Cansarka oo uu u jiifay,
isagoo da’diisu ay tahay 53 sannadood.
Mr. Snow ayaa sidoo kale ahaa majaajiliiste barnaamijyo ka soo jeedin
jiray Idaacado iyo telefiishinno uu ka mid yahay Fox News, isagoo markii
dambe ku biiray telefiishanka dalka Maraykanka ee CNN.
Mr. Snow ayaa fasax ka qaatay shaqadii uu ka hayay Aqalka Cad ee
Maraykanka si uu isaga daweeyo cudurka Cansarka, hase yeeshee lix bilood
ka hor waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tegay shaqada Aqalka
cad oo uu ku qaadan jiray sanadkii $168,000.
Waxana uu sheegay inuu dib ugu laabanayo barnaamijyadiisa si uu dib uga
soo kabto hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihiisa tan iyo markii uu ku soo
biiray Aqalka Cad.
Madaxweynaha dalka Maraykanka George W Bush ayaa tacsiyadeeyay geerida
Mr. Snow.
Bush waxa uu sheegay in Tony Snow uu ka mid ahaa qoraayada iyo
majaajiliistayaasha ugu fiican ee dalka Maraykanka.
Mr. Snow waxa uu hawlaha Saxaafadda ku soo dhex jiray muddo 30 sano ah,
isagoo aad u jeclaa hawsha uu waday ee majaajilada, laakiin waxa uu aad
uga niyad jabay inaanu helin rag isaga si aad ah ula tartama.
Dalalka
Afrika Oo Ka Walaacsan Kulanka Tahriibta Ee Ka Socda Paris
|
Paris, July 14, 2008 (W. Wararka) – Kulan ay magaalada Paris ku
yeelanayaan madaxda dalalka iyo xukuumadaha ku yaalla badda
Mediterranean-ka, ayaa ajandihii maalintii shalay lagaga hadlay waxaa
ugu sarreeyay arrimaha dadka tahriibta ah ee ka gudubta badda
Mediterranean-ka.
Madaxda ku shiraysa magaalada Paris ayaa la filayaa inay ku dhawaaqi
doonaan urur mideeya dalalkaasi oo la dagaalama muhaajiriinta sida
sharci darrada ah u gala dalalka Yurub.
Wadamada Afrika ayaa ka walaacsan inuu shirkaasi ka soo baxo heshiis
dadka muhaajiriinta ah ka dhigaya dambiilayaal.
Sannad kasta boqollaal kun oo muhaajiriin ah ayaa si sharci darro ah u
gala dalalka qaaradda Yurub, kuwaas oo ka gudba badda Mediterranean-ka
ee ay wadamadani ku yaallaan, iyadoo ay halkaas kaga gudbaan doonyo ay
kuwo badani ku haligmaan badda dhexdeeda.
Laba sannadood ka hor dadkii u tahriibay Yurub waxaa lagu qiyaasay
tiradooda 30,000 oo qof, hase yeeshee sanadkii la soo dhaafay ayaa
tiradu ay hoos ugu soo dhacday 12,000 oo qof oo keliya, waxaana dadkaas
muddooyinkii ugu dambeeyay u badnaa dadka ka tagga gobolka Geeska Afrika
oo ay Soomaalidu u badan tahay.
Dadka Muhaajiriinta ahi ayaa waxay la kulmaan khataro badan oo keena
inay badda ku dhintaan.
Suuriya
Iyo Lubnaan Oo Dib U Soo Ceshanaya Xidhiidhkoodii Diblomaasiyadeed
|
Paris, July 14, 2008 (W. Wararka) – Dawladaha Suuriya iyo Lubnaan ayaa ku
heshiiyay inay dib u furaan safaaradahoodii labada caasimadood iyagoo
dib u soo celinaya xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed sida uu sheegay
madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarcozy.
Arrintan ayaa timi kadib markii Madaxweyne Zarkozy uu wadahadalo la
yeeshay Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Suleymaan isla markaana uu
wadahadal kale magaalada Paris kula yeeshay hogaamiyaha dalka Suuriya
Bashaar Assad.
Dawladaha Lubnaan iyo Suuriya ayaa xidhiidhkoodii diblomaasiyadeed uu
go’ay kadib shirqoolkii lagu khaarajiyay ra’iisal wasaarihii hore ee
dalka Lubnaan, Rafiiq Al xariiri sanadkii 2005-tii taas oo sababtay in
xukuumada Beirut ay Suuriya ku eedeyso inay lug ku lahayd dilkaas.
Soo dhawaynta magaalada Paris lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Bashaar Al
Asad waxa ay iftiimisay dib ugu soo laabashadiisa masraxa caalamiga ah.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Zarkozy ayaa isagu sheegay in
labada hogaamiye ay u fasaxeen inuu shaaca ka qaado heshiiskan isagoo ku
hadlaya afkooda.
Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad ayaa kadib xaqiijiyay warkan
waxaanu yidhi: “Heerka aanu ka taagannahay heshiiskaasi waxaa uu yahay
annagoo aan wax dhib ah u arag dib u furista safaaradaha u dhexeeyay
labada dal ee Suuriya iyo Lubnaan.”
Kulan
Dhex Mari Lahaa Ganacsatada Xoolaha Iyo Madaxweyne Riyaale Oo
Baaqday |
Hargeysa, July 14, 2008 (Haatuf) – Kulan ay u balansanaayeen shalay
ganacsatada dhoofka xoolaha nool iyo madaweyne Riyaale ayaa baaqday ka
dib markii ganacsadaha Sucuudiga ah ee AL-Jaaburi oo sal u ahaa
khilaafka ka dhex oogmay ganacsatada xoolaha iyo xukuumadda oo shalay la
sugaayey in uu dalka yimaado uu baaqday.
Ma jiro warar kulankaasi la xidhiidha oo ka soo baxay dhinacyada ay
khusayso xaajada kulankaasi, haseyeeshee sida ay sheegayaan warar ku
dhow-dhow dhinacyada kulankaasi dhexmari lahaa ayaa waxay baaqashada
kulankaasi dhex mari lahaa ganacsatada xoolaha iyo Madaxweyne Daahir
Riyaale sabab uga dhigeen ka dib markii ganacsadaha Al-jaaburi uu ka
baaqday safar uu shalay ku iman lahaa dalka.
Kulanka ganacsatada iyo Riyaale ee shalay baaqday ayaa ahaa mid lagaga
wada xaajoonayey sidii loo soo afjari lahaa loona fasixi lahaa ganacsiga
dhoofka xoolaha nool ee dalka, kaas oo markii hore ahaa mid kaligii u
xidhan ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al jaaburi oo isagu xukuumada heshiis
kula galay in uu ganacsiga dhoofka xoolaha dalka kaligii ka dhoofin karo,
taas oo ay arintaasi si weyn uga soo horjeesteen gabi ahaanba
ganacsataddii dalku, ee dhoofkaasi xoolaha ka ganacsan jiray, oo iyagu
ku andacooday in heshiiskani aanu dan u ahayn dalka iyo dadkaba, isla
markaana ay heli karayaan qiimo ka nafci badan qiimaha uu xoolaheena ku
qaato Al-jaaburi.
Kulankan ayaa la doonayey in lagu soo afjaro muran dhinaca ganacsiga
xoolaha ah oo muddo ka badan sanad dhexyaalay Ganacsatada xoolaha iyo
xukuumadda, kaas oo todobaadkii hore ay kulan ka yeesheen guddida
ganacsatada iyo Madaxweyne Riyaale kaas oo kulankan shalay baaqday loo
balamay.
Ciidamadii
Laayey Dadkii Mudaharaaday, Miyey Garan Waayeen Go’aankii Uu Qaatey
Duuliye Sare Axmed Dheere |
Faallo - Axmed Cige
Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa ka dhacday dhacdo layaab leh oo ay
gaysteen ciidamada bilaysku iyo kuwa qaranka somaliland, ka dib markii
ay rasaas nool oodda kaga qaadeen dhalinyaro ka mudaharaadaysay Riig
biyo ka qodayey Koonfurta Hargeysa oo la sheegay in xukuumadu ay ka
wareejinaysay una waday meelo ka tirsan Galbeedka dalka, halkaasina uu
ka bilawday mudaharaad lagaga soo hor jeedo arintaasi.
Xukuumada Rayaale ayaa iyadu u dirtay mudaharaadkaas ciidamo kuwaas
oo sababay dhimashada 3 dhalinyaro ah iyo dhaawac tiro badan, markii
dhalinyartan gadoodsan iyo ciidamada boolisku iskaga horyimaadeen
wadooyinka xaafadaasi Maxamuud Haynbe iyo suuqa dhexe magaalada sida la
sheegayna ay ciidamadu dhalinyaradaasi ku fureen rasaas aan loo meel
dayin.
Hadaba waxa aanu shaki ku jirin in ciidamadii rasaasta sida roobka ugu
furayay dhalinyaradaasi aanay ahayn kuwo ka yimid meel kale balse ay
ahaayeen kuwi loo qoray inay ilaaliyaan dhalinyaradan mudaaharaadaysay,
waxaanay u muuqdeen ama ay ahaayeen kuwo aan fahmin waajibaadka ay
leeyihiin manay lahayn wax naxariis ah iyo mid waddaniyadeed toona,
waxayse ahaayeen kuwo fulinayay amaradii qaldanaa ee la siiyay.
Arrin mucjiso leh oo taas si wayn uga duwan ayaa iyadu hore u soo martay
dalkan aan ilaa iyo hadda aqoonsiga haysan, balse ku taama inuu ka
hirgalay nidaamka dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlku, taas oo dad
badani u arkaan wax afka uun laga yidhaahdo, balse aanay dhab ahaan ka
jirin nidaamkaas aynu jecel nahay inuu dalkeena ka hirgalo oo dadweynaha
loo fasaxo, in ay u mudaharaadaan si xora.
Arrinta mucjisada ah een kor ku soo sheegay ayaa wxay tahay waxa dhawaan
dalka safar ku yimid duuliye sare Axmed Maxamed Xasan ( Axmed Dheere) oo
ahaa mid ka mida duuliyeyaashii diyaaradihii dagaalka ee MIG 17 , ee ay
lahayd dawladii Siyaad Bare oo isaga damiirkiisu u diiday inuu weeraro
shacabkii ku dhaqnaa magaalada Hargeysa Sanadkii 1988kii markii amar
lagu siiyey inuu bambooyin ku duqeeyo , Axmed Dheere oo wakhtigaasi
go’aan geesinimo ah ku gaadhay inaanu marnaba aanu fulin amarkii
khaldanaa ee la siiyey sidaas darteedna go,aansaday intii uu wax yeelo u
geysan lahaa dad shacbi ah uu diyaaradii uu waday uu ku dajiyey meel ku
taala xeebaha Djibouti.
Hadaba ciidamada Somaliland miyey garan waayeen inay qaataan go’aankaa
duuliyaha oo kale, ama wax in uun u dhigma marka ay dadkooda kula soo
haliilayaan qoryaha.
Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada qaranka iyo kuwa boolisku ay
tacshiirad u adeegsadaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxaa
dhagaha reer Hargeysa ka guuxaya markii ay xukuumadu ay ciidamo tikniko
ah galisay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo dhacdooyinkii ka
dhacay Inji, iyo tii dhawr bilood ka hor ka dhacday xaafad ka mida
Koonfurta Hargeysa taas oo dad ka cabanayey xuquuq ay ku leeyihiin nay
gobolloogu magacaabo deegaanka Baligubadle kuwaas oo dhamaantood ay ku
dhinteen dhalinyaro reer Hargeysa ah oo ay toogteen Ciidanka Bilaysku
kuwaas oo aan ilaa hadda cid wax ka qabatayna aanay jirin..
Qurba-jooga
Beelaha Sacad Muuse Oo Taageeray Ku Dhawaaqista Gobolka Almis |
Annagoo ah beesha Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa gaar ahaan
dalka boqortooyada Ingiriiska waxaanu boqolkiiba boqol ku taageersanahay
go'aanka ay gaadheen beelaha Sacad Muuse ee dalka ku nool ee ku saabsan
ku dhawaaqista Gobol cusub looguna magac daray (*ALMIS*) caasimadiisuna
noqonayso (Ceel Sheekh), xuduudiisuna tahay (Bullo Xaar ilaa Laanta
Cawda).
Annago tix raacayna ereyga Madaxweynaha Rayaale ee ku saabsanayd
gobolada cusub ee lagu dhawaaqay oo ahayd inay tahay mid rabitaanka
dadweynaha Somaliland ah, sidaas daraadeed waxaan ka codsanaynaa
madaxweynaha Rayaale inuu tixgeliyo go'aanka ay gaadheen beesha Sacad
Muuse ee ku dhawaaqista gobolka ALMIS.
Xukuumadda Somaliland waxaanu ka codsanaya inay nabadgelyada iyo
dimuqraadiyada ay hiigsatay ilaaliso. Gobolkan cusubna ay si nabadgelyo
ah oo ay ku jirto dimuqraadiyadi u ansixiso.
1. Jiilani Cabdilahi Axmed
2. Maxamed Cali Ducaale
3. Cali Gudaal Axmed.
4. Maxamed Xassan Yey
5. Aden Cumar Axmed
6. Jirde Ciise Daboole
7. Aadan Abdi Xuseen
8. Xassan Xuseen Shire
9. Xuseen Axmed Caydiid
10. Cumar Siyaad Shiikh
11. Maxamed Yuusuf Dool
12. Axmed Yuusuf
13. Cabdirahman Cabdilahi Saban
14. Daahir Xassan Hoore
15. Cali Xuseen Hoore
16. Yuusuf Dhamac Xassan
17. Mustafe Dhamac Xassan
18. Cabdillahi Ismacil
19. Cabdi Aadan Naaleeye
20. Cabdiqadir Macalin
21. Ibrahim Xassan Cismaan
22. Maxamed Caabi Ismaacil
23. Cali Jaamac Guuled
24. Axmed Barre Cumar
25. Cabdisalan Jirde
26. Xassan Muuse
Magacyadaas kor ku xusan iyo in kale oo aan la soo koobi karin waxay
taageerayan ku dhawaaqista gobolka cusub ee gobolka Almis.
Allah baa mahada iska leh
Guddoomiyaha
Guurtida Oo Mudaneyaasha Ka Maqnaada Fadhiyada Ugu Hanjabay In
Talaabo Adag Laga Qaadi Doono |
Hargeysa, July 14, 2008 (Haatuf) – Fadhigii shalay ee golaha guurtida oo
lagu waday in goluhu ku guda galo qodobka koowaad ee ajandaha kalfadhiga
36aad ayaa baaqday ka dib markii kooramku buuxsami waayay, balse
guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in
furitaankii fadhigaasi baaqday saxaafadana u soo jeediyey in madasha
fadhiga ay dibada uga baxaan taas oo markii danbena goluhu yeeshay fadhi
albaabadu u xidhan yihiin.
Inkastoo ay saxaafadu dibada ka joogtay qadar nusasaace ah oo ay
guurtidu albaabada isku xidhatay haddana waxay ilo xogogaal ahi noo
sheegeen in fadhigaasi goddoomiyaha golaha Guurtidu mudaneyaasha ka soo
xaadiray si wayn ugu canaantay ka soo xaadir la’aanta fadhiyada golaha
oo muddadii kalfadhigan 36aad socday ay dhacday in muddo afar maalmooda
fadhiyada goluhu u baaqdeen kooram la’aan taas oo la sheegay in
guddoomiyuhu mudaneyaasha caadaystay ka maqnaanshaha fadhiyada golaha,
uu tilmaamay in talaabo adag laga qaadi doono, sidaa darteedna tibaaxay
in xoghayaha golahana uu ku amray in wixii maanta ka dambeeya
mudaneyaasha maqnaadaa uu soo gudbiyo subax kasta si loola xisaabtamo
maqnaanshaha mudaneyaasha iska maqan iyo kuwa soo xaadira.
Hay’adda UNDP Oo Shaqaalaheedii Kala Baxday Koonfurta Somalia
Baydhabo, July 14, 2008 (W. Wararka) – Hay’adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan barnaajijyada Horumarinta ee UNDP ayaa kala baxday
shaqaalaheedii ka joogay koonfurta Soomaaliya.
Sidaas waxaa sheegay C/fataax Sh Ibraahim Geeseey, oo ah guddoomiyaha
gobolka Bay ee Somalia oo fadhiisin u ah baarlamaanka dawladda Mbagathi
iyo xafiisyada qaar ka mid ah hay’adaha samafalka, waxaanu Mr. Geeseey
sheegay in ka bixitaanka hay’adda UNDP ee Somalia ay ugu wacan tahay
ammaan darrada ka jirta Somalia.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Muqdisho dil loogu geystay madaxii
hay’adda UNDP ee dalka Somalia Cimaan Cali Axmed.
Shaqaalaha hay’adaha samafalka ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay waxay
bartilmaameed u noqdeen kooxo hubeysan oo aan la garanayn dhinaca ay
raacsan yihiin Maxaakiimta iyo dawladda Mbagathi, kuwaas oo dilal u
geysanaya dadka u shaqeeya hay’adaha sama-falka.
Dilalka loo geysanayo shaqaalaha rayidka ah ee hay’adaha samafalka ka
tirsan waxa si weyn u cambaareeyay shacabka Somalia ee tabaaleysan ee
iyagu ku tiirsan gargaarka ay ka helaan hay’adaha samafalka.
Lama ogga ilaa inta ay qaadan doonto inta ay hay’adda UNDP ay ka maqnaan
doonto koonfurta Somalia.
Top
|