Xoolihii U Horeeyay Oo Ka Madax Banaan Al-Jaaburi Oo
Xalay Ka Dhoofay Dekedda Berbera
Oomaar Iyo Indho-Deero Oo Qiime Dhimis
Ku Sameeyay Bariiska Kadib Markii Uu Suuqyada Soo Galay Bariiskii Dahabshiil
Ee Jabnaa
Ciidanka Bileyska Oo Hawlo
Nabadgelyada Lagu Sugayo Ka Wada Laas-Caanood
Dagaalo Ka Qarxay Muqdisho Ilaa
Deegaanka Bardaale
Kooxo Ka Tirsan Hanti-dhawrka Guud Oo
Hawl Baadhis Ah Ku Wada Maamulka Dawladda Hoose Ee Boorama
Daawashada "Somaliland Space Channel"
Oo Hoos U Dhacday Boorama
Wasiirka Beeraha Oo Dalka Keenaya
Hay’ad U Ololeysa Diinta Masiixiga Oo Uu Isagu Magac Af-Soomaali Ah Ula
Baxay
Koox Curyaamiin Ah Oo Cabasho La
Hortegay Wasaaradda Maaliyadda
Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka
Beelaha Sacad Muuse Oo Riyaale Ka Dalbaday Inuu Ugu Dhawaaqo Gobol La
Yidhaahdo Almis
Guurtida Oo Doodo Kulul Ka Yeeshay
Siyaasadda Khaarajiga Ee Xukuumada Iyo Mooshin Loo Jeediyey Mudane Ku
Dagaalamay Madasha Fadhiga
Shirgudoonka Golaha Guurtida Oo Guddi
Baadhisa U Magacaabay Waxyaalihii Sababay Warshadii Buushka Al Khayraad Ee
Labada Goor Gubatay
|
|
Xoolihii U Horeeyay Oo Ka Madax
Banaan Al-Jaaburi Oo Xalay Ka Dhoofay Dekedda Berbera |
Hargeysa, July 16, 2008 (Haatuf) – Xoolihii ugu horeeyay oo ka madax
banaan ganacsadaha Sucuudiga ah ee xukuumadu kootaha ugu xidhay xoolaha
ayaa la filayaa inay xalay iyo caawa ka dhoofaan Dekadda Berbara.
Dhoofka xoolahan oo tiradeeda lagu qiyaasay 15,000- (shan iyo toban kun)
neef oo adhi ah iyo 300 (saddex boqol) oo isugu jira Geel iyo Lo’ ayaa
la sheegay inuu madaxweyne Riyaale ku fasaxay Telephone, kaas oo uu
masuuliyiinta Maamulka gobolka iyo dekadda ku amray inay ganacsatadu ka
dhoofsadaan wixii xoolo ah ee hadda ku sugan Berbera, hase yeeshee ma
jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukuumada oo sheegaya inay
qaaday gebi ahaan-ba xayiraadii saarnayd xoolaha iyo heshiiskii koootaha
ay ugu xidhay ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-Jaabiri.
Sida ay sheegeen warar xogogaal ahi arrintan uu Riyaale ku ogolaaday
inay ganacsatadani ay si xor ah xoolaheeda ku dhoofiyaan, ayaa ka
dambasyay heshiis ay hore isula gaadheen Riyaale iyo guddi ka tirsan
ganacsatada xooluhu taas oo loo ballamay inuu madaxweynuhu Sabtidii ina
dhaaftay war buuxa ka soo saaro, hase yeeshee markii ay ganacsatadu ka
dhur-sugayeen saddex maalmood ay markii dambe ka cadhoodeen ka dibna ay
go’aansadeen inay si walba oo suurto-gal u ah-ba ay xoolaha u jooga
Berbera ku rartaan, taas oo markii dambe uu madaxweyne Riyaale Telephone
ka sii horaysiiyay intaanay gaadhin Berbera, kaas oo uu ku sheegay inay
dhoofsadaan xoolaha hadda taagan Berbera, ka dibna ay wada hadal dambe
isula yimaadaan guddida ganacsatada xoolaha iyo Madaxweyne Riyaale sidii
laysula meel dhigi lahaa waxa uu noqonayo mustaqbalka dhoofka xooluhu.
Dhinaca ganacsatada xoolaha ayaan iyaguna wax war ah ka soo saarin
arrintan, uu madaxweyne Riyaale ku fasaxay xoolaha wixii hadda dhoof
sugaya ee jooga Berbera.
Tan iyo markii ay xukuumadu heshiiska la gashay ganacsadaha reer Sucuudi
Arabia ee Suleymaan Al- Jaabiri bishii April ee sanadkii 2007 waxa jiray
cabashooyin iyo qaylo-dhaan ka soo yeedhaysay ganacsatada xoolaha iyo
xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo sheegayay inaanay waafaqsanayn
shuruucda dalka in qof kaliya loo xidho ganacsiga xoolaha nool oo ah
lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland, hase yeeshee xukuumada Riyaale aanay
dheg jalaq u siinin.
Cabashooyinkan ganacsatada xoolaha ayaa bilihii ugu dambeeyay gaadhay
halkii ugu saraysay taas oo ay ganacsatada xooluhu cadaadis ku saarayeen
xukuumadu inay fasaxdo ka ganacsiga xoolaha.
Ganacsadaha Al-Jaabiri ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay-ba ku
sugnaa magaalada Hargeysa isagoo ay wada hadalo yeesheen xukuumada, hase
yeeshee ilaa hadda wax war ah kama soo bixin waxyaalaha ay ka wada
hadleen iyo waxa ay xukuumada Riyaale ka yeelayso heshiiskii ay hore ula
gashay ganacsade Al-Jaabiri.
Oomaar
Iyo Indho-Deero Oo Qiime Dhimis Ku Sameeyay Bariiska Kadib Markii Uu
Suuqyada Soo Galay Bariiskii Dahabshiil Ee Jabnaa |
Bariiska Oomaar Iyo Indho-Deero Waxa Uu Ugu Keydsanaa Dalka Gudihiisa, Ka
Hor Intii Aanu Dunida Ka Qaaliyoobin
Hargeysa July 16, 2008 (Haatuf) – Ganacsadayaasha waaweyn ee raashinka
dibada uga soo waarida dalka Somaliland, Jaaamac Omaar iyo ilma Cabdi
Cawad (Indhadeero) ayaa hoos u dhigay galinkii hore ee shalay qiimihii
ay ku iibinayeen kiishka Bariiska ah, taas oo ay ka dhigeen $47-48,
halka ay maalin ka hor ku iibinayeen $51- 52 Dollar.
Sida ay u sheegeen Haatuf qaar ka mid ah hawl wadeenada labada shirkadood
ee Oomar iyo Indho Deero hoos u dhigida qiimaha Bariiska ayaa ahayd mid
ay labada shirkadood ay ku heshiiyeen, markii ay ogaadeen in isla
shalayba uu soo galay suuqyada magaalooyinka dalka Bariis kuwooda ka
jaban oo ay dibada ka keentay shirkada Dahab-Shiil oo sida la sheegay ay
shirkadaasi ugu talo gashay in ay ku jebiso maceeshada sare u kacday
gaar ahaan Bariiska iyo Daqiiqda.
Sidoo kale sicirka Daqiiqda ayaa todobaadkii hore hoos u dhacay ka dib
markii ay dalka soo gaadhay shixnad Daqiiq ah oo ay soo waariday
shirkada Dahab-Shiil waxaana ay gadbada Daqiiqda ahi ay hada ka maraysaa
suuqyada Hargeysa $45-46 halka ay laba todobaad ka hor ay gadbada
Daqiiqda ahi suuqyada ka caga cagaynaysay $49-50.
Raashinkan ay shirkada Dahab shiil soo waariday ayaa waxa uu ku soo
beegmay wakhti ay cuntadu ka qaali garowday Dunida, isla markaana ay
qaar ka mid ah wadamadii Bariiska soo saari jiray ay joojiyeen Bariiskii
ay dibada u dhoofin jireen.
Hase yeeshee labada shirkadood ee Indho Deero iyo Omar ayaan iyagu
Bariis dibada kala soo degin intuu raashinku dunida ka qaaliyoobay balse
dalka gudihiisa ku haystay kayd Bariis ah oo badan.. Waxaanay horaantii
bishii April kiishka Bariiska ah ku iibinayeen jumlad ahaan $29.5 halka
ay todobaadkii hore ka gaadhsiiyeen $51.
Mulkiilayaasha labada shirkadood ee Omaar iyo Indho Deero oo aanu isku
daynay in aanu wax ka weydiino arintan ayaa iyagu ka gaabsaday in ay wax
tafaasiil ah ka bixiyaan arimahan.
Ciidanka
Bileyska Oo Hawlo Nabadgelyada Lagu Sugayo Ka Wada Laas-Caanood
|
Hargeysa July 16, 2008(Haatuf)-Booliska magaalada Laascaanood ayaa
bilaabay hawl gal ay nabad gelyada ku sugayaan ka dib markii habeen hore
ay rag hubaysani isku dayeen in ay toogasho ku dilaan Gudoomiye ku
xigeenka gobolka Sool Maxamed Faarax (Indhobuur), falkaas oo ilaa imika
aan la garanayn cidii ka dambaysay.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Mr Indho-Buur ayaa ay rag hubaysani
rasaas la beegsadeen isaga oo ka soo baxay salaadii cishaa’I hase
ahaatee gudoomiye ku xigeenku wuu ka badbaaday isku daygaasi lagu
doonayay in lagu khaarajiyo.
Hadaba Bilayska magaalada Laascaanood oo daba jooga falkaas ayaa waxa ay
soo qab qabteen shan qof oo ay ku tuhunsan yihiin in ay iyagu ka
dambeeyeen isku daygaasi lagu doonayay in lagu dilo gudoomiye ku
xigeenka gobolka.
Sida ay ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ka imanaya magaalada
Laas-Caanood Bilayska magaaladu waxa ay bilaabeen hawl galo ay ku
doonayaan in ay ku soo qab qabtaan cid kasta oo ay ku tuhmaan in ay
falal nabad gelyada wax yeelaya ay ka wado magaalada gudaheeda.
Bilayska magaalada Laas-Caanood ayaa ilaa shalay subaxnimadii gaaf
wareegayay wadooyinka magaalada iyaga oo saaran gawaadhida khaaska u ah
ciidamada Bilayska si ay wax uga qabtaan dadka ay is leeyihiin waxa ay
ku lug leeyihiin falal amniga wax u dhimaya.
Dadweynaha ku nool magaalada Laas-caanood ayaa si weyn u soo dhoweeyay
hawl galadan ay bilaysku ku sugayaan amniga, iyagoo dhanka kalena hadal
haya falkii ay habeen hore budhcada hubaysani ku doonayeen in ay ku
dilaan gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Mr Indho-buur.
Magaalada Laas-Caanood ayaa ay dib ugu soo noqotay xasiloonidu ka dib
markii ay ciidamda Somaliland la wareegeen gacan ku haynta gobolka Sool
oo ay ku jirto magaalada Laas-Caanood bishii September ee sanadkii 2007,
isla markaana ay meesha ka saareen ciidamadii maamul goboleedka
Puntland.
Dagaalo
Ka Qarxay Muqdisho Ilaa Deegaanka Bardaale |
Muqdisho, July 16, 2008 (Haatuf) - dagaal culus ayaa shalay ka bilaabmay
fagaaraha Tarabuunka ee magaalada muqdisho.
Dagaalkan oo u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta iyo kooxda Imbagathi
ee ay ciidamada Itoobiyaanku taageeraan, dagaaladaas oo laysku
adeegsaday hubabka noocyadooda kala duwan, ayaan ilaa hadda la ogayn
kharaase waxa uu gaystay, labadii dhinac ee dagaalamayeyna ilaa hadda
wax wara kama soo bixin.
Isla dagaal kale ayaa isna shalay ka bilaabmay warshada baastada ee
degmada Heliwaa, halkaasi oo ay xarun ku leeyihiin ciidamada
Itoobiyaanku, waxaana la sheegay in dagaalkaasi khasaare iyo dhimashoba
uu u gaystay dadkii degaankaasi ku dhaqnaa.
Dagaaladan ayaa baryahan dambe ka xoogaystay intii hore.
Dhinaca kale waxaa dagaalo noocan oo kale ahina ka bilaabmay duleedka
Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, dagaalkaasi oo ay iskaga hor yimaadeen
ciidamada ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka Somaliya
iyo ciidamada Mbagaathi ee Cabdilaahi Yuusuf.
Dagaalkan oo laysku adeegsanayey madaafiicda culis ayaa waxaa la
sheegayaa inay shacbi weynahaa deggan goobtaas dagaalku ka qarxay ay soo
gaadhay khasaare mood iyo noolba leh,balse ilaa hadda lama cadayn
khasaaraha soo gaadhay nooca uu yahay, sidoo kala iyana ilaa hadda lama
sheegin ciidamadii meesha ku dagaalamay khasaaraha soo kala gaadhay.
Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in degaanka dagaalku ka
qarxay laga qaxay oo ay u yaaceen meelo ay isleeyihiin waad ku
badbaadaysaan, waxayna dadweynuhu ka cabsi qabaan in dagaalku sii socdo
oo uu ku faafo deegaamada kale .
Sida wararku tibaaxayaan waxa uu dagaalkani uu ka bilaabmay ka dib
markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhexda u galeen ciidamada
Itoobiyaanka oo galbinaya ciidamo loo soo tababaray dawladda Imbagathi,
halkaasi oo uu dagaal culusi ka holcay, waxaana laga cabsi qabaa inuu
dagaalku ku sii fido deegaamada kale.
Kooxo Ka
Tirsan Hanti-dhawrka Guud Oo Hawl Baadhis Ah Ku Wada Maamulka
Dawladda Hoose Ee Boorama |
Boorama, July 16, 2008 (Haatuf) – Shaqaale ka tirsan hay'adda
hanti-dhawrka Guud ee dawladda ayaa labadii ama saddexdii maalmood ee u
dambaysayba lagu arkayey xarunta dawladda Hoose ee Boorama, halkaas oo
sida la sheegay ay u joogaan hawlo la xidhiidha baadhista
hab-xisaabeedka dawladda Hoose ee Boorama wax ku bixisay ama ay ku
heshay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, kooxahan oo la arkayey iyagoo la socda qaar ka tirsan
maamulayaasha laamaha shaqaalaha dawladda Hoose, isla markaana
weydiinaya faylal aan garanayn waxay ahaayeen, ayaa dhinaca kale waxa
hawlahooda indhaha ku haya maamulayaasha laamaha dawladda hoose, golaha
degaanka iyo xitaa maamulka gobolka iyo kan degmadaba, lamana oga ilaa
imika sida ay u baadhayaan waxay ka tuhunsan yihiin hawl-maalmeedka
kharashyada iyo dakhliyada ka baxay ama soo galay dawladda Hoose.
Imaatinka Hanti-dhawrkan guud ayaa ka dambaysay laba bilood oo maayarka
Boorama socdaal hawleed debedda ugu maqnaa kuna soo beegmay wakhti sida
la sheegeyo ay busaarad xumi hadhaysay dawladda Hoose ee Boorama.
Hanti-dhawrka Guud ee qaranka ayaa waayadan dambeba baadhisaha uu ku
sameeyo hab-xisaabeedyada laamaha dawladda aan ka soo saarin wax natiijo
ah oo lagu ciqaabi karo cid kastoo lagu tuhmo ama ay ku caddaato inay ku
kaceen musuqmaasuq, sidaa darteedna aan looga fadhiyin inay wax cusub ka
soo saaraan hawshoodan baadhista ah ee ay ku hayaan maamulka dawladda
Hoose ee Boorama.
Daawashada
"Somaliland Space Channel" Oo Hoos U Dhacday Boorama
|
Boorama, July 16, 2008 (Haatuf) – Qaybo ka mid ah dadweynaha ku nool
Magaalada Boorama ayaad beryahan dambe mooddaa inay ka soo taagan yihiin
daawashada telefiishanka Somaliland ee ku jira Satellite-ka caalamka ee
la yidhaahdo "Somaliland Space Channel " kaas oo ay dhawrkii bilood ee u
dambeeyeyba siyaalo kala duwan u xiisayn jireen, iyagoo dhinaca kalena
daawashadooda u badinaya Telefiishanada Satellite-ka ee dalalka debedaha,
gaar ahaanna kuwa carabta ah sida Al-jazeera, Djibouti iyo Universal oo
Soomaliya ah.
Sida ka muuqata xarumaha laga daawado, guryaha iyo hudheelada la seexdo
ama wax laga cuno ayaad inta badan arkaysaa dadka ku sugan ama fadhiya
oo daawanaya telefiishanada Satellite-ka wararka iyo barnaamijyada laga
sii daayo ee ku hadla afka Carabiga ama ingiriisiga oo lagu soo daro
Djibouti, taas oo ka duwan dhawr bilood ka hor oo uu telefiishanada
caalamka uu ku soo biiray TV-ga satellite-ka ee Somaliland.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, inkastoon ilaa imika la ogeyn sababta hoos u dhaca daawashada
Somaliland Space ee magaalada Boorama keentay, balse dadka magaalada,
gaar ahaanna qoysaska iyo siyaasiyiinta oo aan wax ka weydiiyey ayaa
badankoodu ii sheegay inaanay haatan sidaa u daawan TV-ga Somaliland,
sababtoo ah bay yidhaadeen ubadkii oo la qabsan waayey markay ka waayeen
barnaamijyo carruureed oo ka qosliya, iyo wax cusub oo ku jira wararka
ay sii daayaan.
Sidoo kale goobaha TV-yada satellite-ka ee carabta laga daawado, sida Al
Jaseera oo ay ka mid yihiin huteelada la seexdo ama kuwa wax laga cuno,
makhaayadaha iyo goobaha caweysyada ayaa iyaguna siyaalo kala duwan iigu
sheegay waxay u joojiyeen ama u yareeyeen daawashada Somaliland Space
Channel.
Nin dhallinyaro ah, magaciisana la yidhaahdo Axmed Jaamac ayaa yidhi:
“Annagu waxaanu daawanna ciyaaraha, Somaliland Space-na ma soo daayo
ciyaaraha, maxaan markaa ka daawan.”
Nin siyaasi ah ayaa isna waxa uu beryahan u daawan waayey Somaliland
Space ka waramay, waxaanu yidhi “Aadbaan uga xumahay inaanan beryahan
daawan Somaliland Space Channel oo aan u soo iibsaday Dish aad qaali
iigu ahaa waagii uu soo baxay, nasiibdarro waxaad mooddaa in dadka
Maamula Somaliland Space aanay laba socon waxa ka dhacaya dalka,
duruufaha taagan, xaaladda siyaasadeed, iyo maamul-xumada jirta. Sideed
u daawan kartaa wasiir ka mid ah wasiirada ina Rayaale oo been cad muddo
saacad ka badan kula horfadhiya wax uu sheegayana aanad garanayn,”
Haweenay kale ayaa iyaduna tidhi “Waxan Somaliland Space TV u daawan
waayey waxa weeye iyagoon sii deyn wax lagu raaxaysto ama heeso
wanaagsan, waxay ahayd inay ugu yeedhaan telefiishanka quraanka kariimka
ee aan Sucuudiga ku daawan jiray, sababtoo ah mar kastoon furo wacdi
diini ah oo wanaagsan ayaa ka socda, wakhti aan si deggen ugu
dhegeystana waan la’hay oo aqalka ayaan ka shaqeeyaa.”
Qaar ka mid ah dadweynaha oo iyaguna ka wareegay daawashada Somaliland
Space ayaa ii sheegay inaanay TVgaa u daawan sababo badan aawadood, waa
tan koowaad waxay u daawan waayeen waxay ku sheegeeen tayo xumada
barnaamijyada, gaar ahaanna kuwa khuseeya bulshada, dibudhaca wararka
TVgaasi oo ay sheegeen inaanu laba socon dunida iyo dalkaba, waagii ay
ahaayeen TV-ga Somaliland ayey ka fiicnaayeen, isagoo intaa raaciyey
inaanay warba ka hayn maamulayaasha TVgaasi waxay sii deynayaan.
Dhinaca kale markaad eegto hoos udhaca daawashada Somaliland Space ayaa
nin kale oo aad u cadhysani iigu sheegay inay tahay TVgaasi oo aan waxba
ka duwanayn TVga qaranka ee beenta u sheega dadka, halkii laga eegayey
inuu waayaha dalka, qiimo bararka, maciishadda, bannanbaxyada, iyo
maamulxumada ka hadlana uu sii daayo uun iidhehdiisa, iyo iidhehda
shirkadaha xawaaladaha. Waxa kale oo uu ninka raaciyay in isbedel noocan
ahi uu TV-gaas ku yimid intii uu ka mid noqday madaxda maamulayaasha TV-gaasi
ninka Agaasimaha ka ah Wakaaladda Wararka Dawladda oo hoos tagta
wasaaradda Warfaafinta, isla markaana ahaa ninkii loo adeegsaday
burburintii daladii xuquuqda Aadamaha Shurro-Net ee ay xukuumaddu
burburisay.
Si kastaba ha ahaatee dibudhaca daawashada TVgan Somaliland Space, ayaa
ku soo beegmay wakhti sida ay maamulayaashiisu sheegeyaan la doonayo in
kaadhadhka lagu furo TV-yada dalka keenaan, taas oo laga yaabo inay
meesha ka saarto dadweynaha weli sii xiisaynaya daawashada TVgaasi
sateliteka ku jira ee Somaliland.
Wasiirka
Beeraha Oo Dalka Keenaya Hay’ad U Ololeysa Diinta Masiixiga Oo Uu
Isagu Magac Af-Soomaali Ah Ula Baxay |
Hargeysa, July 16, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Beeraha ee Somaliland, Aadan
Axmed Cilmi ayaa ku hawlan sidii uu dalka u dejin lahaa hay’ad u
ololeysa fidinta Diinta Masiixiga oo magaceeda la yidhaahdo Luthern
Mission.
Hay’addan oo taabacsan mad-habka Martin Luther oo ahaa wadaad Masiixi ah
oo qarnigii 16aad dalka Jarmalka ka bilaabay olole uu ku dhaliilayey
Kaniisadda mad-habka Protestant-ka ee Diinta Masiixiyadda, waxay haatan
ka hawl-gashaa dalal u badan kuwa saboolka ah.
Haddaba wefti ka socda hay’adda Luthern Mission ayaa booqasho ku yimid
dalka Somaliland horraantii bishii June 2008, waxaanu weftigaasi
wada-hadalo Hargeysa kula yeeshay wasiirka Beeraha ee Somaliland Aadan
Dhoola-yare, kaas oo warbaahinta u sheegay in hay’addani ay xafiis ka
furan doonto dalka si ay Somaliland uga caawiso dhinaca caafimaadka.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu muddo laba sannadood ah uu ka
shaqaynayey sidii uu hay’addan dalka u keeni lahaa oo uu madaxdooda kula
kulmay dalka Norway, halkaas oo uu Aadan Dhoola-yare qaxoonti ahaan ku
joogay intii aanu noqon wasiirka Beeraha ee Somaliland.
Haddaba, wasiirka Beeraha ayaa mar uu warbaahinta Somaliland u sharxayey
magaca hay’adda Luthern Mission waxa uu ku tilmaamay in Af-Soomaali
ahaan ay ku tahay “Noolaynta Naruurada Mustaqbalka” (eeg cadadkii June
9, 2008 ee wargeysyada Jamhuuriya iyo Haatuf-ba).
Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysay turjumaadan khaldan ee
uu wasiirku ku sameynayey macnaha uu xambaarsan yahay magaca hay’adda
Lutheran Mission, hase yeeshee waxa loo qaadan karaa inuu isku dayayey
in uu ra’yal caamka maxaliga jiho-habaabiyo si aanay u ogaan in fidinta
diinta Masiixigu ay ka mid tahay shaqooyinka ay hay’adda Luthern Mission
qabato.
Waxay ahayd bishii June 2007 markii uu wasiirka Beeruhu warbaahinta u
sheegay inuu keeni doono 15 hay’adood oo dalka wax ka qabta.
Aadan Dhoola-yare waxa uu dhawaan sheegay in hay’adda Luthern Mission ay
iska diiwaan-gelisay wasaaradda Qorsheynta oo ay dalka hawlo ka bilaabi
doonto.
Lutheran Mission waxay xafiisyo ku leedahay dalka Itoobiya ee Somaliland
la jaarka ah.
Koox
Curyaamiin Ah Oo Cabasho La Hortegay Wasaaradda Maaliyadda
|
Mid Ka Mid ah Ilaalada Maaliyadda Oo Gacanta Saarey Weriye Ka Tirsan
Wargeyska Saxansaxo
Hargeysa, July 16, 2008 (Haatuf) –Toboneeyo qof oo naafo curyaamo ah
oo wata baaskiiladahoodii ayaa shalay barqadii albaabka wasaarada
maaliyada soo gaadhay iyaga oo ka muujinaayey cabasho ay ula socdeen
inay u gudbiyaan wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale oo sida ay
sheegeen hore ula balansanaayeen.
Naafadan curyaamiinta ah ayaa waxay ka tirsan yihiin naafada Somaliland,
albaabka wasaarada Maaliyada ayaa waxaa ka horjoogsaday inay galaan
ilaalada Maaliyada, ka dibna waxaa halkaa ka dhacay buuq dhexmaray
naafada iyo ilaalada, kaas oo ka dhashay horjoogsiga ay ciidanku u
diideen inay galaan xayndaabka wasaarada.
Iyagoo ilaalada u sheegay inay doonayaan madaxa sare ee wasaarada gaar
ahaan wasiirka.
Intaa ka dib ayaa waryayaal ka tirsan warbaahinta madaxabanaan wax ka
waydiisay waxay ku aadan tahay cabashadoodu “ waxaanu uga cabanaynaa
sicir bararka dalka waxaanu nahay dad naafo ah cago ma lihin, gadbadii
bariiska ahayd waxay maraysaa qiime aad u qaali ah, markaa waxaanu ka
cabaynaa dhamaan meceeshada daruuriga ah ee maraysa sicir bararka.
Ururkayagan waxaa la yidhaahdaa SSJ, waxaanu nahay 55 qof, hadaba
waxaanu aad uga xunahay albaabkaanu is-nidhaa dawlada kala hadla iyo
waxaanu is-nidhaah soo waydiiya lanagama furayo ee waa la naga
xidhanayaa oo waxaa la leeyahay idinku waa lugo laadihiin oo la idiin
siidayn maayo”.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray “ saaka maaliyadda waxaanu u hor nimid
oo aanu doonaynaa in wasiirka oo hore noola balamay aanu aragno, balse
markaanu wasaarada tago waa laysku kaayo dhiidhiibayaa”.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray “ WFP ayaa raashin na siin jirtay way
naga joojisay, markii aanu waydiinay sababta waxay noogu jawaabeen orda
oo Sanyare u taga (wasiirka Qorshaynta) waydiiya, Sanyare markaanu u
tagnana WFP ku noqda ayuu na yidhaa, markaa anagu sidan garan mayno
haday dawladayadii nagu tumanayso.”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah
curyaamiinta.
Waxaanu nahay dadkaa curyaamiinta ah ee laxaadka la’ oo waxaanu nahay
dad la takooray, marka foodka cod bixinta la dhiibanayo doorashooyinka
waa na loo baahan yahay inta kalase wax nalooga baahan yahay ma jirto oo
cidba isma waydiiso, imika socodkayagan waxaanu ka nimid WFP oo woxogay
gadbado ah aanu ka qaadan jirnay, hay’adaasina markay noo sheegtay inay
naga joojisay waxay nagu yidhaahdeen qorshaynta u taga.”
Intaa ka dib isu soo baxan curyaaminta qaarka mid ay ku hortageen
xarunta wasaarada ayaa waryayaal ka tirsan warbaahinta oo gudanayey
mihnadooda shaqo kuna sugnaa waqtigaas goobtaas ayaa ciidanka ilaalada
wasaarada ka horjoogsadeen naafada ayaa wariye ka hawlgala wargayska
Saxansaxo isla markaana ku hawlanaa waajibaadkiisa shaqo ayaa askari ka
mid ah ilaaladu uu si degdeg ah ugu soo booday dhirbaaxana indhaha kaga
dhuftay, ka dibna kamaradii uu sitay wariyuhu ku dhagay isaga oo ku
tiraabayey “ wuu na sawiray”, dadweynihii wada marayey iyo kuwii taagna
goobta ayaa layaab ka muujiyey sida ay waryaha ula dhaqmayn askartu oo
ay qaarkood ku dhawaaqayn wasaarada iyo curyaamintan horjoogtaa ayuu
waryuhu sawirayee ma ha sawirana ayaad leedihiin.
Waryihii ayey askartu geeyeen barxada xafiisyada, qiyaastii 20 daqiiqo
ka dib ayey soo daayeen ka dib markii halkaas uu soo galay wasiir ku
xigeenka gaashaandhiga Mr Filanwaa, isaga oo waqtigaas muraad u lahaa
maaliyada, ayuu askarta u sheegay inay sii daayaan waryaha.
“Xabad baan kugu dhufan intaad na sawiratay ayaad waliba is
xariifinaysaa” ayuu ku qaylinayey mid ka mid ah ilaalada xarunta
Maaliyada, sidaa waxaa yidhi warye saleebaan ka dib markii la soo daayey.
Madax-dhaqameedka
Iyo Waxgaradka Beelaha Sacad Muuse Oo Riyaale Ka Dalbaday Inuu Ugu
Dhawaaqo Gobol La Yidhaahdo Almis |
Hargeysa, July 16, 2008 (Haatuf) – In ka badan 100 qof oo isugu jira
Salaadiin, Cuqaal, Culimaa’udiin, Aqoonyahan iyo Odayaal ka soo jeeda
Beelaha Sacad Muuse ayaa Madaxweyne Riyaale ka dalbaday inuu sida ugu
dhakhsaha badan ugu dhawaaqo gobolka Almis oo ay sheegeen inuu yahay mid
ay xaq u leeyihiin marka dhinac kasta laga eego.
Sidaasna waxay ku sheegeen dadkani qoraal ay ku socodsiiyeen Madaxweyne
Daahir Riyaale Kaahin, kaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka
Salaadiinta Beelaha Subeer Awal, Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi, waxaanu
qoraalkaasi oo ay ku qeexayaan xuduudaha, xajmiga dhul ee uu ku fadhiyo
gobolka ay codsanayaan in loogu dhawaaqo u qornaa sidan:
“Mudane Madaxweyne
Anagoo ah salaadiinta, cuqaasha, culima’udiinka, aqoonyahanka, Odayaasha,
dhalinyarada iyo waxgaradka beesha Sacad Muuse Bari waxaan marka hore
kugu hambalyaynaynaa bogaadina kuugu soo diraynaa, horumarka balaadhan
ee ay somalilan dku talaabsatay mudada aad xilka madaxweynimada dalka
haysay sida:-
Hirgalinta dimuqraadiyada, doorashooyinka dalka ka qab soomay, sugida
amniga, sugida xuduuda somaliland ee dawladu ka xoraysay cadawgii
dalkeena qaybo ka mid ah xaqdarada ku haysata ee dadkeenana dhibaatada
ku hayay, waxaa kale oo aan la hilmaami karayn horumarka miisaaniyada
laga gaadhay in balaadhinta maamulka ee gobolada iyo degmooyinka lagu
fidiyay, iyada oo la abuuray bobolo iyo degmooyin cusub si bulshada loo
gaadhsiiyo adeega dawlada ee ay baahida weyn u qabaan.
Inkasta oo mudane Madaxweyne, ishaadu ka lashay deegaanka Sacad Muuse
Bari, waxaanse kuugu mahad naqaynaa gobolnimada aad siisay Gabiley oo
mudnaanta 1aad u lahayd inay gobol hesho marka laga eego halganka iyo
dhaqaalaha.
Anaga oo ixtiraamayna distuurka iyo qawaaniinta ku salaysan 1960-kii,
haatan iyo tii daneed, deegaanka beeshu wuu balaadhan yahay oogo,
waqooyi iyo galbeedba, hasa yeeshee midna wax lagama qaban hore iyo
dibtoona.
Sidaa darteed maadaama aad bilawday balaadhintii maamulka gobolada iyo
degmooyinka waxaa dhinacayaga ka aloosan gobol doonis aanu u aragno in
aanu xaq u leenahay dhinackasta oo laga eegaba, beeshu gobolka Hargeysa
ayay degan tahay iyadoo Hargeysina noqotay caasimada JSL hadaba
deegaamadii hoos iman jiray Hargeysa way dayacanyihiin oo waxay ka qatan
yihiin waxqabadkii iyo horumarintii dawladeed dad iyo xoolaba oo waxay
baahi weyn u qabaan in la siiyo gobol lamagac baxay ALMIS oo xilkeeda
lagu maamulo.
Gobolka Almis oo faahfaahintiisu noqon doonto sidan:-
1.dhinaca Oogada:- Ka bilow Abaarso ilaa Gogol-wanaag, kuna siman Sac-lamoodka,
dhinaca baliga Bacado, Balayga Cas, dhamal ku siman illinta bari,
2. badhtamaha:- ka bilaw Ganbo-cune ilaa D/salaam, Ceel-la-helay ku
siman Ceel-sheekh iyo Almis.
3. dhinaca bariga xeebta:- ka bilaw qudhaca, boodaale, saley ku siman
bula-xaar,
4. dhinaca xeebta galbeed:- ka bilaw Jaray, gargaara bari, hulka, qolqol,
ku siman lughaya.
Deegaamadaasi kor ku xusani waxaa caloosha ugu jira tuulooyin waawayn oo
ay ka midyihiin 3da ilimood, Balayga-cas, Bildhaalay, Qabile, Ceel-la
helay, Damasha, Ceel-sheekh, Cabdi Geedi, Hadayte, iwm. Isugaynta
tuulooyinku waxay gaadhayaan ilaa 51 tuulo.
Mudane Madaxweyne, waxaan qoraalkan kooban ku soo oodaynaa oo aan si
qadarin leh kaaga codsanaynaa inaad gobolkan Almis noogu dhawaaqdo sida
u dhakhsaha badan.
Qaar ka mid ah magacyada salaadiinta, cuqaasha, culima’udiinta,
odayaasha, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo wax garadka beelaha Sacad
Muuse ee qoraalkan ku qornaa waa kuwan:-
1. Suldaan Maxamed Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye (Suldaanka Guud Ee
Subeer Awal),
2. Suldaan Ismaaciil Aadan (Suldaanka Beelaha Waqooyi),
3. Suldaan Jaamac Cismaan,
4. Suldaan Sulub Nuur Warsame,
5. Suldaan Xuseen Ismaaciil,
6. Suldaan Axmed Nuur Samaale,
7. Suldaan Xasan Suldaan Nuur,
8. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Afhayeenka Salaadiinta Beesha
Subeer-Awal),
9. Jiif Caaqil Xaaji Cabdi Nuur,
10. Jiif Caaqil Saleebaan Aw-Axmed Riyaale,
11. Jiif Caaqil Xasan Ibraahin Ismaaciil,
12. Jiif Caaqil Cumar Maxamed Xuseen,
13. Jiif Caaqil Jiif Maxamed Aw Cabdi Jaamac,
14. Jiif Caaqil Cabdi Yaasiin Xirsi,
15. Jiif Caaqil Caydiid Yuusuf Xaaji Bakoosh,
16. Jiif Aw Yaasiin,
17. Caaqil Yuusuf Maxamed Cige,
18. Caaqil Aadan Ismaaciil Xuseen,
19. Caaqil Ibraahin Maxamuud Ducaale Food,
20. Caaqil Koosaar Faarax (Faro-God),
21. Oday Xiise Bare,
22. Oday Cali Axmed Shiil,
23. Oday Cumar Ducaale,
24. Oday Idiris Muuse,
25. Oday Cumar Ducaale,
26. Oday Cabdi Xasan Faahiye,
27. Oday Daauud Caduur,
28. Oday Cali Sheekh Muxumed,
29. Oday Cumar Cilmi Xandule,
30. Oday C/Laahi Xaaji Aadan,
31. Oday Sacad Maxamed Warsame,
32. Oday Ismaaciil Yuusuf,
33. Oday Axmed Cawale Cali Guray,
34. Oday Aadan Nuux Wacays,
35. Oday Cabdi Maxamed Diiriye,
36. Oday Maxamed Ducaale Maxamed,
37. Oday Axmed Xuseen Kaahin,
38. Oday Cabid Maxamed Cumar,
39. Oday Cismaan Ibraahim Gees,
40. Oday Xasan Aadan Cawaale,
41. Oday Rashiid Cumar,
42. Oday Maxamuud Muumin Buux,
43. Oday Maxamuud Xuseen,
44. Oday Ilyaas Maxamed Muumin,
45. Oday Maxamed Muuse Maxamuud,
46. Oday C/Samad C/Laahi Qoor-Gees,
47. Oday Cabdi Cumar Aadan,
48. Oday C/Xakiin C.Naawed,
49. Oday Sayid Daahir Axmed,
50. Oday Cabdi Xuseen Cali,
51. Oday Ismaaciil Maxamed Tukaale,
52. Oday Cumar Axmed Guuleed,
53. Oday Nuur Xuseen Maaweel,
54. Oday Maxamed Cabdi Baadhe,
55. Oday C/Laahi Axmed Guuleed,
56. Oday Siciid Jaamac Cabdi,
57. Oday Maxamed Ibraahin Madar,
58. Oday Yuusuf Ibraahin Madar,
59. Oday C/Raxmaan Ibraahim Madar,
60. Oday Maxamuud C/Laahi Cabdi,
61. Oday Maxamed C/Laahi Cabdi,
62. Oday C/Risaaq Aadan Madar,
63. Oday Xasan Aadan Madar,
64. Oday Axmed Cali Madar,
65. Oday Maxamed Cali Madar,
66. Oday Cabdi Cali Madar,
67. Oday Abuubakar Cali Madar,
68. Oday C/Raxmaan Aw Jaamac Cabdi,
69. Oday Aw Ibraahim,
70. Oday Muxumed Sh. Buuni,
71. Oday Maxamed Ibraahim Abokor,
72. Oday Maxamuud Yuusuf Buux,
73. Oday Axmed Xasan,
74. Oday Ibraahim Madar Bide,
75. Oday Abiib Maxamuud Xandule,
76. Oday Muuse Ibraahim Cilmi,
77. Oday Axmed Cabdi Xaaji,
78. Oday Ismaaciil Cali Yuusuf,
79. Oday Ismaaciil Xasan Xaaji
80. Oday Cali Cumar Cige
81. Oday C/Rashiid Cumar Cismaan,
82. Oday Mawliid Cumar,
83. Oday C/Rashiid Maxamed Cabdi,
84. Oday Cumar C/Laahi Nuur,
85. Cumar Axmed Maxamed,
86. Oday Cali Yuusuf Muxumed
87. Oday Aadan Cabdi Kuray
88. Oday Cabdi Batuun
89. Oday Xuseen Axmed (Xuseen Dheere)
90. Aqoonyahan Maxamed Axmed Xirsi
91. Aqoonyahan Garas Yuusuf,
92. Aqoonyahan Axmed Cali Dable
93. Aqoonyahan Cabdi C/Laahi Xasan
94. Aqoonyahan C/Isaaq Maxamed.
95. Jiif Caaqil Axmed Yoonis Shabeel
96. Jiif Caaqil Axmed Cabid Xasan
Guurtida
Oo Doodo Kulul Ka Yeeshay Siyaasadda Khaarajiga Ee Xukuumada Iyo
Mooshin Loo Jeediyey Mudane Ku Dagaalamay Madasha Fadhiga
|
“Wasiirka arimaha dibada waxay mushkiladiisu noqotay waa nin kalidii
socdaalaya oo aan ogolayn in uu xoghayn sii kaxaysto." Md. C/laahi
Sheekh Xasan”
“Djibouti Waa Tii Axankeena Ka Shaqaynaysee Goormay Xabiibkeena Noqotay".
Md. Cabdi Salaan Maxamed Siciid
“Mudanahaasi dagaalamay guddi baanu u saaraynaa inta ka horaysana golaha
ma soo gali karo". Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal
Hargeysa, July 16, 2008 (Haatuf) – Golaha guurtida ayaa shalay si weyn
ugu kala qaybsamay, Md. Dheeg Maxamed Yaasiin oo shirgudoonku soo
jeediyey in goluhu xisaanadiisa hakiyo ka dib markii uu madasha fadhiga
kula dagaalamay Md Maxamed Cismaan Guuleed hasa yeeshee markii goluhu
dood ka yeeshay hindisahaasi ayuu shirgudoonku sheegay in gudi baadhisa
ay u saari doonan iyadoo dhinaca kalena guurtidu ay dood kulul ka
yeesheen siyaasada arimaha dibada.
Fadhigan oo uu gudoominayey gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud
Aadan, ayaa waxa uu golaha u soo jeediyey in Md. Dheeg Maxamed Yaasiin
faldambiyeedkaa dagaalkaa ee uu ku kacay inta la baadhayo goluhu
xisaanadiisa hakiyo, Hasa yeeshee waxa uu soo jeedintaasi goluhu ka
yeeshay dood kulul taas oo si weyn mudaneyaasha ugu kala aragti
duwanaadeen maamuus ka xayuubinta xildhibaankasi.
Md. Maxamed Daahir Jirde ayaa isagu ku dooday “distoorku ma ogola dambi
saddex sano ka yar in maamuuska lagaga qaado xildhibaanka”.
Md Cabdisalaan Maxamed Siciid ayaa isaguna ku dooday in shirgudoonku soo
jeedin leeyahay “ shirgudoonku wuu soo jeedin karaa, arintanina waa mid
hore golaha uga soo dhacday, oo waa tii anagaba arintan xisaanada goluhu
hore noogu qaaday”.
Md. Claahi Sheekh ayaa isaguna ku dooday “ haddii mudanuhu dambi
falagaranse ah ku jiro, xisaanada waa laga qaadi karaa”.
Md. Xaaji Cabdi Cismaan “shirgudoonku maaha in uu ku degdego xisaanad ka
qaadista mudanaha”.
Md. Ibraahin Ciise Buux “waa in gudi loo saaro arinkaasi”.
Md. Axmed C /laahi Qaalib “waa in waajibka ina saaran ka gudano mudanaha
ku dhex dagaalamay madasha”.
Md. Maxamed Ducaale Qurux “waxaan soo jeedin lahaa in distoorka iyo xeer
hoosaadka golaha lagu dhaqmo”.
Md. Xaashi Cabdi “ waa in gudi baadhisa oo xalisa loo saaro” .
Ka dib intaa gudoomiyaha golaha guurtidu waxa uu sheegay in gudi
baadhisa ay u saarayaan mudanaha dagaalamay inta ka horaysana ay ka
joojiyaan in Md. Dheeg Maxamed Yaasiin uu ka soo qayb galo fadhiyada
golaha, waxaa kale oo golaha warbixinta gudidaasi maxamed ducaale qurux
oo ka waramay mudadii goluhu fasaxa ku maqnaa waxyaalaha u qabsoomay
isagoo xusay in xogwaraysiyo ay la kala yeesheen masuuliyiinta wasaarada
macdanta iyo biyaha iyo komishanka qaranka ee ladagaalanka cudurka HIV,
AIDS.
Intaa ka dib waxa uu goluhu fadhigiisaa ku guda galay qodobka labaad ee
siyaasada arimaha dibada waxaana ugu horayn doodiisa ka diibtay Md. C/laahi
Sheekh Xasan oo isagu ku dooday in wasiirka arimaha dibadu yahay nin
hawl kar ah balse mushkilada haysataa ay tahay isagoo kalidii u socdaala
caalamka “ wasiirka arimaha dibadu waa nin shaqeeya balse mushkilada
haysataa waxay tahay waa nin kalidii inta badan caalamka u socdaala oo
aan xitaa kaxaysanin xoghayn boorsada daba qaada sidaa darteed waxaan
soo jeedinayaa in wasiirka arimaha dibadu marka uu socdaalayo dibadaha u
baxayo uu sii kaxaysto laba xubnod oo wasaarada ka mida, wakhtigan
xaadirka ah dalalka khaliijku qadiyadeena way u soo jeedaan,
madaxweynuhuna waa kii socdaalka ku tagay imaaraadka carabta martiqaad
la sheegay in uu ku tagay dalka Qatar wax danbe ka maynu maqal halkii uu
ku dambeeyey, dalalka carabta Masarbaa inoogu adadag Masarna waxtar ka
filimayno, laakiinse waxaa muhiima in dalalka kale ee carabta aynu
socdaalada ku badino, dawladaha maraykanka iyo ingiriisku waxay arimaha
aqoonsigeena sabab uga dhigtaan dalalka Afrikanku ha ku horeeyaan
Afrikana iyadaaba gudaheega is haysata oo xuduudo isku haysa, taasina
macnaheedu waxay noqonaysaa inay ina leeyihiin qadiyada aqoonsigeenu waa
wali ee ha degdegina, waxaa jira dalalka Aasiya oo aynaan tagin sida
Shiinaha oo kale, mana aha inagnu xukuumada oo kaliya ku eegno
socdaalada dibadaha ee waa inaynu gole ahaan qadiyadeena aqoonsiga ka
hawlgalno oo aynu safaro ubaxno, waxa kale oo jira dalalka
scandanefiyanka oo mucaawinooyinka ubaddan ina siiya mar aanu socdaal ku
tagnay aniga iyo wasiirka dibudejintu dalka Denmark waxay noo sheegeen
in xiligii biriishyada inaga burbursanaa la dhisayay ay inagu caawiyeen
lacag dhan 6.5 milyon oo dollar oo ay yidhaahdeen waxaanu idinkaga
caawinay dhismayaashii biriishyada, waxa kale oo ay nagu yidhaahdeen
dawlada Denmark oo ay noo balanqaadeen xiligaasi in ciidanka boslika
tababaradooda iyo gaadiidka dabdemiska-ba ay inaga caawin doonaan,
documentigii balanqaadkaasna waxaanu soo gaadhsiinay wasiirka arimaha
gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska oo aanu xitaa adaveskoodii
xidhiidhka u soo gudbinay, nasiib daro se macaawinadaasi balanqaadka
ahayd halkii lagama qaadin, wixii aanu soo qaadnay ee balanqaadka
ahaydna aniga iyo wasiirku waanu ku ceebawnay, markii laga gaabsaday,
nin Somaliland ah oo dalka Denmark ku noolna waxa uu dhawaan yidhi waar
miyaad ka maaranteen mucaawinadii dawlada Denmark, waxaan soo jeedin
lahaa gole ahaan inaynu doorkeena ka qaadano siyaasada arimaha dibada”.
Md. Cabdi Salaan Maxamed Siciid ayaa isaguna ku dooday in dawlada
jabuuti ay si weyn uga soo horjeeday qadiyada Somaliland “dawlada
Djibouti waa tii axankeena ka shaqayn jirtay goormay xabiibkeena noqotay?”
Md. Maxamed Cismaan Libaaxo ayaa isaguna ku dooday in siyaasada
khaarajigu ay meel fiican marayso soona jeediyey in dalka Djibouti iyo
Somaliland ay yihiin laba dal oo aan kala maarmin “ ma jirto siyaasada
meel taagani ee waxaa jirta danjoogto ah sidaa darteed hadii ay dawlada
Djibouti garatay walaalnimada ka dhaxaysa Somaliland waa in laga soo
dhaweeyo lana ixtiraamo hogaanka dalkaasi, waxaana muhiima in lasii
kordhiyo xidhiidhada dawladaha dariska inala ah Itoobiya, Yemen iyo
Djibouti socdaaladana la sii joogteeyo”.
Md. Yuusuf Cabdilaahi Cawaale ayaa isaguna ku dooday in siyaasada
arimaha dibadu ay meel fiican marayso balse aan la gaadhin midho dhalkii
aqoonsiga ee baahdia weyn loo qabay.
Gabo gebadii doodaasi ayuu gudoomiyuhu magacaabay gudi shan xubnooda oo
baadhis ku soo samaysa waxayaalihii sababay warshadii buushka ee
maalintii doraad dabku aqbsaday.
Shirgudoonka
Golaha Guurtida Oo Guddi Baadhisa U Magacaabay Waxyaalihii Sababay
Warshadii Buushka Al Khayraad Ee Labada Goor Gubatay
|
Hargeysa, July 16, 2008 – “Gudidaasi waa inay warbixin dhamastiran ka
keento warshada buushka oo Bishii ogoste ee 2007 iyo maalintii shalayba
dabku qabsaday wixii dhaliyey dabkaasina waa in golaha maalinta sabtida
horkeentaan”.
sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha golaha guurtida Md saleebaan maxamuud
aadan oo shalay si rasmiya gudi shan xubnoda oo baadhis ku soo samaysa
wixii dhaliyey warshadii maalintii doraad ee buushka ee magaalada
Hargeysa ku gubatay , shantaa xubnood oo ka tirsan golaha guurtida waxay
kala yihiin maxamed ducaale qurux, axmed daahir jirde, muxumed aw axmed
xaaji aadan, C/salaan maxamed siciid, ibraahim ciise buux, isagoo
gudoomiyaha golaha guurtidu ka hadlaya gudidaa uu magacaabayna waxa uu
yidhi “ warshadan buushka ee maalintii shalay gubatay oo horena oguest
2007dii dab ku qabsada waxaanu gudidiina faraynaa inaad war bixin
dhamays tiran ka keentaan waxyaalaha sababay in warshadaasi ay laba jeer
gubato, sidaa darteedna maalinta sabtida golaha u soo gudbisaan warbixin
dhamas tiran. Top
|