Qado Sharaf Kulmisay Muxaafid Iyo Mucaarid Oo Ka Dhacday Hargeysa
Baarlamaanka Somaliland Ma Yahay Gole Ay Ku Hungoobeen Shacbigii Soo
Doortay?
Maxamed Cumar, Haatuf Staff
$10 Oo Ay Maaliyaddu Ku Darsatay Tacriifadda Oo Sababay In Toddobaadkii U
Dambeeyey 30,000 Oo Geel Ahi Bilaa Cashuur Ku Galaan Djibouti
Xukuumadda Oo Guddoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Komishanka Ku Eedaysay
Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Shabaab Iyo Xubno Cusub Oo Burco Laga Soo
Xidhay
Diyaaradaha Dagaalka Ee Ruushka Oo Duqeeyay Magaalooyin Georgia Ka Mid Ah
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Iyo Mudaneyaasha Wakiilada Oo Maryo
Dhiigle Ku Kala Furtay Heshiiska Ay Xukuumaddu La Gashay Al-Jaabiri
Guurtida Oo Guddi U Saartay Xeer Riyaale Awood U Siinaya Inuu Dhismeyaasha
Iyo Dhulka Danta Guud Iibin Karo
Kooxo Budhcad Ah Oo Nin Soomaali Ah Ku Dilay Koonfur Afrika
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baaq Gaar Ahaan Ugu Socda Ciidamada Qaranka
Somaliland
Halkani Waa Hargeysa
|
|
Qado Sharaf Kulmisay Muxaafid Iyo Mucaarid Oo Ka Dhacday Hargeysa |
Hargeysa, August 10, 2008 (Haatuf) – Casuumad qado sharaf ah oo lagu
martiqaaday Suldaano, Caaqilo, Siyaasiyiin mucaarid iyo muxaafidba ka
kooban iyo marti sharaf kale ayaa shalay shalay ka dhacday Hotel Mansoor
ee magaalada Hargeysa.
Casuumadan qado sharafta ah ayaa waxaa u sameeyey marti sharaftii ka soo
qayb gashay Suldaanka guud ee Beelaha Habar Awal Suldaan Cabdirisaaq
Suldaan Cabdilaahi oo dhawaan dalka yimid ka dib markii uu muddo sanado
ah dalka kaga maqnaa wadanka Imaraadka Carabta.
Suldaanka ayaa todobaadkan dalka yimid iyada oo si heer sare ahna loogu
soo dhoweeyey imaanshihiisan uu dalka yimid.
Casuumadan uu shalay Suldaanku uu fidiyey ayaa waxaa ka soo qaybgalay
qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland, Wasiiro, xubno ka tirsan
mucaaridka iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Afhayeenka Suldaanka beelaha Habar
Awal oo ku hadlaayey magaca Suldaanka Maxamed Cabdi Dhoore, isla
markaana uu salaan gaadhsiiyey dhamaan cuqaasha, madax-dhaqameedyada,
wasiirada iyo marti sharafta reer kale ee madasha ku sugnaa.
Waxaa isna halkaas hadal ka jeediyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
ayaa uga mahad celiyey casuumadan uu Suldaanka Guud ee Subeer Awal u
fidiyey, waxaanu ka hadlay in dhamaan dadka ku wada nool Somaliland ay
yihiin dad wada dhashay oo aan meel kala tagayn, waxaana ka mid ahaa
hadaladiisii “ninka degan Laascaanood iyo ninka Lawya-caddo waa dad wada
dhashay oo dani ka dhaxayso, laakiin hebel xinni iyo hebel meesha ka eri
ma ina anfacayso, haddii mid cadhoodo , yaan laga hadhin, mar ayey
xukuuumadu ka gardarnaataa dadkeeda, marna dadkaa ka gardarnaada,
labadaa in laysku miisaamo ayuu xalku ku jiraa, laakiin hadaynu
nidhaahno hebel baa la gardaraystay oo xagiisa u jabno waa dhibaato”
waxa uu intaas ku daray “inagu madaxdhaqameed baynu nahay laakiin
waxaynu isku bedelnay Siyaasiyiin, runta marka aad doonaysaan, ninkii
Madaxdhaqameedka ahaa ee geedka ka talin jiray ee halkaasuun ku
hadoodilnaan jiray ee cadayga dheer sidan jiray ma jiro maanta, nin
waliba inta uu gaadhi eryaday ayuu shuruucdii dalka oo dhan korka ka
qabtay, taasina waa wax ilaahay loogu mahadiyo ama nin qalin jabiyey ha
ahaado ama nin saaxiibal caqliya ha ahaado laakiin waxaa madax
dhaqameedka looga baahan yahay tubta ugu wanaagsan ee wadanka lagu
hirgalin karo, wixii aynu qabsanayna inoogu hirgali karaan inaynu ku
dhaqano.”
Madaxdhaqameedkii halkaas ka hadashayna waxay u mahad celiyeen
Suldaankii soo qaban qaabiyey Casuumadan.
Baarlamaanka Somaliland Ma Yahay Gole Ay Ku Hungoobeen Shacbigii Soo
Doortay?
Maxamed Cumar, Haatuf Staff |
Somaliland, waa dal iyo dad maanta magac ahaan uun ka jira geeska Afrika,
welina aan caalamka ka helin aqoonsi iyo tixgelin lagu tixgeliyo
nabadgelyada iyo horumarka shicibku keeneen, hase yeeshee hoggaanka ay
dalka u dhiibteeni dagaal kula jiro xorriyaddooda, xuquuqda
muwaadiniintiisa, horumarkooda, iyo ictiraaafkooda, taasina ay sababtay
in si caddaalad darro ah xabsiyada dalka looga buuxiyo boqolaal qof oo
aan badankooda la ogeyn sifaha loo xidhxidhay.
Somaliland ayaa dhinaca kale waxay maraysaa heer sharcidarro uu ku
xukumo hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee UDUB kaddib markii ay
dhammaatay muddadii xilka shacbigu u doorteen, waxana uu maanta ku
fadhiyaa gole aan u naqaannay golihii ugu xurmada badnaa reer
Somaliland, ee loo yaqaannay Guurtida balse maanta lagu sifeyn karo
wasaarad hoos timaadda maamulka Rayaale oo ay ka buuxaan odayaal iyo
culimo meesha u fadhida in ay xaqdarro ku difaacaan xukuumadda.
Dhinaca kale waxay reer Somaliland xusuusanyihiin jidkii loo soo maray
doorashooyinkii baarlamaanka haatan saddex jirsaday ee la is lahaa waxa
lagaga baxsan doonaa maamul xumada, musuqa iyo caddaalad darada dalka ka
jirta ee aan loo aabbo yeelayn aqoonyahan, siyaasi, saboolka iyo
xoogaggii u soo dagaalamay dalkan maanta ay isteerinka u hayaan
shaqaalihii, iyo ciidamadii ka tirsanaan jiray xukuumadda Afweyne.
Baarlamaankii la soo doortay, iyo kan maanta aan arkaynno ayaa dad badan
oo reer Somaliland ahi ay isweydiinayaan waxay shaqadiisu tahay, qaarna
maba garanayaan oo waxay u haystaan laan kale ama gole kale oo dawladdu
leedahay.
Shirguddoonka hoggaanka u haya golaha baarlamaanka, lana ogaa sidii ay
saddex sano ku dhawaad ka hor ugu fadhiisteen kuraasta, ayaa dad badani
waxay rajo ka qabeen in uu noqon doono gole u dhexeeya dawladda iyo
shicibka, taas oo macnaheedu yahay haddii dawladdu qalad ka gasho
shicibka sharciga in lala tiigsado ciddii gashay mansab kasta ha
lahaadee Sidoo kale ayaa baarlamaanka laga sugayey hawlo badan oo ay
maanta baalmareen lana odhan karo way khiyaameeyeen shacbigii soo
doortay, sababna looga dhigi karo shirguddoonka golahaasi.
Haddii aan wax ka yara taabanno shirguddoonka saddexda xubnood ah ee
Golahaasi wakiilada Somaliland, waxa uu ka kooban yahay guddoomiye iyo
laba guddoomiye ku xigeen, raggaasi oo maanta wax laga weydiin karo
guusha iyo guuldarada uu shicibka Somaliland uu u soo jiiday Golahaas ay
xubnaha ka yihiin qurba joog badan oo malaha ku caajisay dalkii ay iska
dhiibeen.
Waxa ka madax ah aqoonyahan, ama siyaasiga lagu magacaabo Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdilaahi, loona yaqaanno Cirro. Waa muwaadin qurbajoog ah,
ayna isku dal yihiin guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali waraabe. Waa
nin oday ah, markii iigu horreysay ee aan Boorama ku arkay afar ama shan
sano ku dhawaad ka hor waxa uu iila ekaa nin oday ah oo muxtaram ah,
kana muuqan calaamado laga dheehan karo dhaqaale darro. Intii aan
telefishanada ama warbaahinta ka arkaayeyna sawirkiisa kama muuqan wax
muujinaya calaamadaha cadhada, waxanan arkaa inta badan isagoo dhoolo
caddaynaya, waxa aan is idhi dhoollacaddayntaasi waxay qarin kartaa
daaacadnimadiisa iyo daacadnimodaradiisa dhinaca shacbiga ama xukuumada.
Waxa ku xiga sheekha keliya ee in muddo ahba dhawaaqiisu saameeyay
Somaliland marka laga hadlayo caddaladdarada iyo dulmiga Rayaale iyo
kooxdiisu ku hayaan shacbigii soo doortay, Sh. Cabdulcasiis Samaale,
balse intii uu Yuusuf tallaabo, wasiirkuxigeenkii caddaaladda oo aanan
in dhaweyd maqal, uu sheekhaasi ku sheegay cadow shisheeye ka dambeeyo,
isla markaana salaadiisa, alla ka cabsigiisa, iyo ka hadalka xuquuqda
shacbiga cadaawad kaga kasban xukuumadda Rayaale, ayaa haatan isagana
laga fadhiisiyey xilkii loo soo doortay.
Waxa ku sii xiga guddoomiyekuxigeenka labaad, Baashe, oo aanan wax aqoon
ah u lahayn ayaa isna la odhana karaa xilka uu u hayo baarlamaanka looma
meel dayin, maadaama uu ogaan waayey duulimaadka ciidanka Rayaale ku
qaadeen gobolka Sool ee laga sooa doortay, waxana uu ku guuleysan waayey
in uu maleesiyada Puntland ka sifeeyo degaankiisa.
Haddaba markaad eegto hawshii shirguddoonka loo soo doortay wakhtigaa,
ee ahayd in uu shicibka u hiiliyo ayaa haatan waxa muuqata inuu gacanta
ugu jira maamulka Rayaale, isagoo la ogaa in Carmaxmaan cirro agfadhiyey
Daahir Rayaale wakhti uu baarlamaanka u jeedinayey khudbad dhadhan
xumayd, isagoo ay ahayd in C/raxnmaan Cirro uu Hogaamiyaha UDUB ee dalka
xukuma intuu u yeedho uu su'aalo ka weydiiyo meesha xun ee uu Rayaale
marinayo dalka. Waxa kale oo ay ahayd in C/raxmaan cirro golhiisa ku
qanciyo in Rayaale xilka laga xayuubiyo maadaama uu ku tuntay sharciggii
dalka, waxay ahayd in C/raxmaan cirro baarlamanka ku dhiirrigeliyo inay
diidaan ansixinta wax kastoo sharci ah oo shicibka gef ku ah oo dawladdu
wadato. hawlahaa iyo kuwa kale oo shacbiga Somaliland usoo doorteen
baarlamaanka cusub, ayaa la odhan karaa waxa majara habaabiyey
guddoomiyaha Baarlamaanka C/raxmaan cirro, oo in dhawaaleba la sheegayey
inuu hoosta kala socda Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaday, Daahir
Rayaale, dhinac kalena uu kala socda baarlamaanka, taasina ay keentay in
xildhibeenno wax u tari lahaa baarlamaanka, lana tacaali lahaa Rayaale
iyo kooxdiisa dalka xukunta uu C/raxmaan cirro u jebiyey, isagoo la
tuhunsan yahay in uu dano gaar ah oo ka bilowday gaadhigii dawladdu usoo
iibisay waagii la magacaabay ilaa maanta si gaar ah looga soo dhaweeyo
madaxtooyada taasina ay keentay in xildhibeenadaasi maanta iska hoos
fadhiyaan aqalka labaad ee reer Somaliland ku hungoobeen doorashadiisii,
kaas oo ah Baarlamaanka, ama hay'adda sharci dejinta dalka Somaliland.
Inkastoo xildhibaanada golahaasi kaga jira gobolkan aan loo tirinayn in
ay wax ka qabtaan dulmiga Rayaale, balse ku taageera, waxa su'aasha la
isweydiin karaa noqon kartaa xildhibaanada gobolada kale ee Somaliland
maxay uga duwanaan waayeen?
$10 Oo Ay Maaliyaddu Ku Darsatay Tacriifadda Oo Sababay In Toddobaadkii U
Dambeeyey 30,000 Oo Geel Ahi Bilaa Cashuur Ku Galaan Djibouti. |
“Markuu kastamka Lawyacado nagu yidhi neefka geella ah $25 bixiya,
iyadoo tacriifada $15 ku qoran tahay ayaanu diidnay inaanu bixino toban
dollar oo aan ku qornayn Rasiidhka,” Cabdilaahi Ismaaciil.
Djibouti, August 10, 2008 (Haatuf) - Toban Doollar oo wasaaradda
Maaliyada Somaliland ku darsatay Cashuurta neefka Geella ah oo aan
tacriifada sharciga ah ku jirin ayaa sababay in Soddon kun oo neef oo
geella oo ka tagay Boorama ay bilaa cashuur ku galaan dalka aynu jaarka
nahay ee Djibouti.
Maxjarka lagu hayo xoolahaas oo ku yaala Tuulada Dameero-joog ee
duleedka magaalada Djibouti oo ay maamulkiisa gacanta ku hayso shirkad
uu leeyahay Ganacsade Sucuudi ah oo la yidhaahdo Abuu Yaasir ayaa
Salaasadii toddobaadkii hore ee bishan ahayd 05/08/08 ay booqdeen
Wariyeyaal ka tirsan wargeyska Haatuf, kuwaas oo indhahooda ku soo arkay
xoolaha ku jira maxjarkaasi ee dhinaca dhulka laga soo geliyey Djibouti.
Soddon kun oo neef oo geella oo ku sugnaa halkaas ayaa waxay shaqaalihii
ka shaqaynayey maxjarkaasi sheegeen in saddex cisho gudahood lagu soo
xareeyey maxjarkaas kuwaas oo laga keenay Somaliland.
Geelaas ayaa intiisa badan waxa laga keenay dhinaca Boorame marka laga
reebo laba boqol oo neef oo laga keenay dhinaca magaalada Berbera, ayaa
dhamaantii ahaa mid lagala soo baxsadey cashuurtii Dawladda kadib markii
ay wasaaradda maaliyadu ku soo rogtey cashuur ka badan tii laga qaadi
jirey oo aan sharci ahayn.
Kooxdan weriyeyaasha Haatuf ee booqday maxjarkaasi ayaa waxay wax ka
waydiiyeen ganacsatada xoolahaas wadatay sababta ay cashuurta ula soo
garab mareen xukuumada Somaliland, ayaa waxa si kooban su’aashaasi uga
jawaabay Cabdilaahi Ismaaciil oo ka mid ahaa ganacsatadii goobtaas ku
sugnaa ee xoolahoodu ku jireen maxjarkaasi waxaanu yidhi “Waxaa nagu
kelifay markii uu maamulka kastamka Lowyacado xoolihii aanu ka
cashuuranay nagu yidhi neefka geella ah waxaad ka bixinaysaan $
25,Neefka adhiga ahna $5 ee nala dul saaray neefkii geela ahaana $10
Doollar oo aan cashuurta ku jirin kii adhiga ahaana $3 Doollar oo aan
cashuurtii ku jirin,ayay noqotay inaanu kala fakano cashuurta”
lacagtaasi mar la weydiiyey halkay ka timid-na waxay ganacsatadii
halkaas joogtey noo sheegeen inay ina Daa’uud (Agaasimaha guud
wasaaradda Maaliyada) ku amray, kastamka in laga qaado lacagtaasi, C/laahi
Ismaaciil oo arintaas ka sii hadlayaana waxa uu yidhi “ waxaanu la
yaabnay xoolahaagii oo aad tidhi ii cashuura in lacag aan sharci ahayn
lagu saaro waanu qaadan kari weynay ilayn haddii isagoo kootarabaana la
soo qabto waanu ogolaan lahayn in ganaax nala saaro” ayuu hadalkiisa ku
soo xidhay Cabdilaahi
Wasaaradda Maaliyada ayaa tacriifado aanay golayaashu ansixin ka qaada
xoolaha iyo badeecooyinka kale ee dalka soo gala, taas oo ka soo
horjeeda distoorka dalka u yaala.
Xukuumadda Oo Guddoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Komishanka Ku Eedaysay
Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Shabaab Iyo Xubno Cusub Oo Burco Laga Soo
Xidhay |
Xagee Bay Ku Dambeeyeen Qaraxyadii Wasiirka Daakhiligu Ku Eedeeyay
Xisbiga Kulmiye?
Hargeysa, August 10, 2008 (Haatuf) - Wasiirka Daakhiliga Cabdilaahi
Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenkii hore ee
Komishanka Doorashooyinka Xirsi Cali X. Xasan oo muddo toddobaad ah ku
xidhan xarunta CID-da Hargeysa, uu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab
ee ka dagaalama koonfurta Somaliya, isla markaana dawladda Maraykanka
ugu jira liiska Ururada Argagixisada ah, isagoo wasiirku sheegay in ay
arintaas cadaymo u hayaan.
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan kooxo uu ku tilmaamay
budhcad oo baabuur kurka ka jaray, oo lagu xidhiidhinayo arinta Xirsi
Cali, iyagana hadda kooxdaas gacanta lagu hayo degdegna tallaabo looga
qaadi doono.
Wasiirka Daakhiliga oo shalay waraysi siiyey laanta Af-soomaaliga ee
Idaacada BBC-da, waxa uu si badheedh ah u difaacay xadhiga muddo dhaafka
ee dadka la iska hayo iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, waxaanu
sheegay in 48ka saacadood ay tahay uun in maxkamadda laga soo xalaaleeyo,
balse muddadii la doono la hayn karo, taas oo ka soo horjeeda qodob
Distoori ah, oo dhigaya inaan qofka xabsi lagu hayn karin wax ka badan
48 saacadood, muddadaas-na lagu hor geeyo maxkamad sharci ah.
Wasiirku waxaa kale oo uu waraysigiisan ku weeraray warbaahinta madaxa
banaan, gaar ahaan wargeysyada ka soo baxa Hargeysa, kuwaas oo uu ku
tilmaamay qaar beenaalayaal ah oo qora waxyaabo aan jirin, iyagoo
dhinaca dawladda aan waxba ka weydiin, waxaanu wasiirku ku celceliyey in
goor kasta habeen iyo maalin saacada ay doonto ha ahaatee uu diyaar u
yahay in saxaafadda uu uga jawaabi doono wixii ay doonayaan inay
weydiiyaan, hase yeeshee waraysiga wasiirka oo shalay ku baxay idaacada
labada duhurnimo ee BBC-da ayaa wargeyska Haatuf waxay geed dheer iyo
mid gaabanba u fuuleen sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen wasiirka, balse
marnaba wasiirku telefoonkiisa kama uu jawaabin, ilaa ay gaadhay markii
dambena inuu iskaba xidho telefoonka.
Wareysiga wasiirka Daakhiliga ay la yeelatay Idaacadda BBC-da, laanteeda
Afka Soomaaliga ayaa waxa uu u dhacay sidan:
S: Waa maxay sababta ay dawladdu ciidamada u geysay gobolada Saaxil iyo
Togdheer?
J: Horta ma jirto ciidamo cusub oo la geeyey Saaxil iyo Burco toona,
ciidamada bileyska ah ee ka soo baxay tababarada Dugsiga Mandheera oo
lagu kordhiyey labadaas gobol mooyaane, laakiin ciidamo kale oo aan u
arko culays oo la geeyay oo aan ku ogahay ma jiraan.
S: Laakiin wararku waxay sheegayaan iyo dadka socotada ahi-ba in marka
laga bilaabo markaad Hargeysa ka baxdo ilaa Dacar-budhuq, Abdaal, Sheekh
ilaa Burco aad ka galayso in la kordhiyey kaantarooladii oo ciidamada
bileysku dadka aad u baadhayaan oo meelo badana ciidamo Bileys ah la
dhigay?
J: Kolay, koley ciidanka Bileysku wuxuu u xilsaaran yahay nabad-gelyadda
dalka, maadaama markii hore bileysku nagu yaraa imika ay ciidan aad u
fara badani nooga soo baxaan mandheera, hadday tababar tahay iyo haday
shaqo tahayba, ciidankaa cusub oo aanu labada gobol ku kordhinay oo
tiradii hore aad uga badan, ayaa jira, laakiinse wax dareen ahoo halis
ah oo nabad-gelyo xumo ah oo dalka ka taagani ma jiro.
S: Ma jiraan miyaa kooxo la sheegayo oo dabley ah oo xataa mararka
qaarkood la sheegayo inay baabuur kurta gooyeen oo ay doonayaan inay
qoryo saaraan gawaadhida dhinaca Burco ah?
J: Waxa runtii jira Burco xageeda Bari, saddex Baabuur Surf ah oo la
leeyahay kurkaa laga jaray, waana lagu maqan yahay oo ciidanka bileyskaa
daba taagan oo ku maqan, wixii tallaabo ahna waa laga qaadi doonaa,
ujeedo dooduna way soo caddaan doontaa.
S: Laakiin Somaliland may caado u ahaan jirin Baabuur qori la saaro oo
markaa lagu tilmaamo Budhcad, arintu ma siyaasad bay u muuqataa?
J: Kolay iyo kolay ka hor dhici mayno ee waynu sugu doonaa wayna caddaan
doontaa wixii ay u jeedaan, maantana waxaan u malaynayaa inaanay maanta
insha allah dhaafi doonin ee maanta la soo qaban doono, gacantaana lagu
hayaa wixii ka soo baxana weynu ogaan doonaa, laakiin imika ma odhan
karo waxaa iyo waxaasaa ka dambeeyay, laakiin kolay iyo kolay waanu
tuhunsanahay in ay lug la leedahay nin maalin dhawayto la xidhay oo
xirsi la yidhaahdo oo xidhiidh la leh Al-shabaab, ninkaasi inay
xidhiidhla leeyihiin baanu jecelnahay, si arrintiisana waa la baadhayaa,
baadhistaa ka dib ayay arrintu caddaan doontaa.
S: Laakiin waa eedayn weyn wasiirkii arrimaha gudaha ayaad tahay, Xirsi
waa nin la yaqaano waa Gudoomiye ku-xigeenkii Komishanka doorashooyinka
somaliland dhawaana la casiley, Burco-na waad ka soo qabateen, markaa ma
arrintaa baad u haysataan oo aad ku tuhunsan tihiin?
J: Kuma tuhunsanin ee arrintaas ayaa aad iyo aad Bileysku ugu
caddaynayaa, markii hore Baabuurtaas la sheegayo ayuu la socday, waxaa
laga soo eryaday tuulada, ciidanka bileyska ayaa siday u soo eryanayeen
buu halkaas soo galay, markaa waxaanu ku tuhunsan nahay inuu xagaa
xidhiidh la leeyahay, hadday tahay telefoonadiisii iyo hadday tahay,
xidhiidhkii, intaba aad iyo aad baanu raad weyn u haynaa, markaa
baadhistu markay dhamaato ayaanu iyadoo cad sheegi doonaa.
S: Xirsi maxaad maxkamad u geyn weydeen haddaad arrimahaasi ku haysataan
kuwaas aad sheegayso imika, waa arrimo weyn ama eedayn weyn, ilaa iyo
haatana waxa la sheegayaa inuu xarunta CID-da ku xidhan yahay oo xataa
loo diiday Eheladiisii inay arkaan?
J: Horta marka ugu horaysa maxkamadda lama geeyo baadhistu intay socoto
muddaday doonto ha qaadatee, baadhistuna waxay qaadataa sidii kiisku u
kala culusyahay ayuu u kala dheeraadaa, laakiin waxa shardiya marka la
soo qabto in qofka maxkamadalaga xalaaleeyo oo lala socodsiiyo
eedayntaas lagu…….. anagu waa dambiile qof ma nidhaahno oo dambigaa wuu
galay ma nidhaahno inta gacanta lagu hayo baadhis waa eedaysane sharcina
wuxuu u leeyhay maxkamadda in laga xalaaleeyo xadhigiisa, baadhistu
markay dhamaato ka dib ayaa maxkamada la geeyaa ama xabsiga la geyaa
laakiin maeesha baadhista kiiskiisu ku socoto ayaa lagu hayaa maddadaa
ka horeysa isagoo xalaalaysan oo maxkamadda iyo xeer ilaalintuba ogtahay.
S: Sharcigu wuxu dhigayaa in qofka 48-saacadood wax ka badan xabsi lagu
hayn, Xirsi-na waxa imika la hayay dhawr maalmood?
J: 48-saacadood lama hayo’e 48-saacadood gudahood in maxkamadd gudahood
in maxkamadda iyo xeer-illaalinta lala socodiiyo ayuu xaq u leeyahay.
S: Waxa kale oo jira oo maalmahanba la sheegayay warar sheegaya inaad ku
talo-jirtaan oo ciidamo u dhigteen goboladda Saaxil iyo Togdheer-ba dad
siyaasiyiin ah oo magac leh inaad qabqabataan, maxaa ka jira arintaasi?
J: Walaahi waxaan ku arkaayay joornaalada oo aad taqaanid Axmadow
joornaalada ka soo baxa dalkeena oo aad taqaanid baddi-doodu iyagoo
waxaanay hubsan oo aanay shaandhayn oo dhinacyadoo dhan aanay waraysan
ay waxay doonaan-ba qoraan anagu taas ma haysno nin siyaasiyiin ah ama
nin magac leh oo sharaf iyo karaamo ku leh dalka in sumacadiisala dilo
oo la yidhaahdo habelbaa xadhig lala raadinayaa iyadoon xagii dawladda
laga hubin oo xagii xeer ilaalinta iyo bileyskana laga hubin isaga
laftiisiina aanan ogeyn-ba in la waraystay iyo in kale waa lay
raadinayaa, waxaan u arkaa inay tahay Beenahan ay had iyo jeer qoraan
joornaalada badhkood ee ay caadaysteen.
S: Laakiin intaanad joornaalada eedayn, markaad warkii xidhataan ee
warkii siin weydaan dee warjira waa la sheegayaa ee dhinaca kale?
J: Dee walaahi waxa ka horeysa in naloo yimaado oo nala weydiiyo sidaas
adiguba noogu timid ee aad noo waraysatay kumaanaan diidine.
S: saxaafada madaxa-banaan dhawr jeer waxay ku cabatay inaad u diidaan
oo albaabada ka xidhataan?
J: Xaasha’e sidaa aan adigaba kuugu ogolaaday baan kuugu ogolaan lahaa,
habeen iyo maalin saacaday noo yimaadaan ee an weydiiyaan markay arin
ogaadaan waxaanu ka codsanaynaa bal wixii horeb aiska dhaafoo markay
arrin ogaadaan habeen iyo maalin saacaday doonto ha ahaatee ama iyagoon
faafin oo aan beenta sheegin inay wixii jira na weydiiyaan.
S: Arrintan markaa ma waxaad leedahay ma jiraan dad magac lahaa oo uu ka
mid yahay ninka layidhaahdo Ibraahim Dhego-weyne?
J: Ma jirto ilaa hadeer waxa magac ama xubno kale ku jiraa oo
shakhsiyaad oo ashraaf leh oo aanu daba taaganahay wakhitgan imika ma
jirto.”
Dhinaca kale, waxaa maalintii shalay ay ciidanka Bileyska magaalada
Burco xabsiga u taxaabeen lix qof oo la sheegay in iyagana lagu
xidhiidhinayo xadhiga gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka
Doorashooyinka Xirsi Cali X. Xasan, waxaana lixda nin oo mid ka mid ah
magaciisa lagu sheegay Xasan Canjeex, kana mid ahaa Mujaahidiintii
ururkii SNM, isla shalayba loo soo dhaadhiciyey dhinaca magaalada
Hargeysa oo ay hadda ku xidhan yihiin.
Lama garanayo sababta keentay in magaalada Hargeysa loo soo dhaadhiciyo
inta intaas gobol la soo dhaafiyo, iyo eedayntan nooca cusub ah ee ay
xukuumaddu ku sheegtay inay xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab waxa ay uga
danleedahay, hase yeeshee dad badan ayaa u arka inay ka mid tahay
tallaabooyin ay xukuumaddu ugu sibir-saarayo qorsheyaal ay xukuumaddu
damacsan tahay inay masuuliyiin maamulkeeda ku mucaarid ah ku cabudhiso,
iyadoo eeddan cusub ee ay xukuumaddu u soo jeedisay xubnaha ay
xidhxidhay ay la macno tahay in ay xukuumaddu u gacmo haadinayso cid
kale.
Si kasta ha ahaatee Eedaynta wasiirka Daakhiligu u jeediyey Xirsi Cali
ayaa waxay u egtahay eedaymo uu hore sidan oo kale ugu jeediyey
masuuliyiin, Odayaal iyo shakhsiyaad muxtaram ah, kuwaas oo uu markii
dambena ku caddayn kari waayey eedaha uu u soo jeediyay, ilaa haddana
laga sugaayo caddeyntoodii.
Bishii April ayey ahayd markii qarax ka dhacay xarunta Guurtida uu
wasiirku ku eedeeyey xisbiga KULMIYE inay ka dambeeyeen qaraxaas,
waxaana arrintaa loo xidhxidhay oday Deyr Maxamed Cilmi iyo Guddoomiyaha
kulmiye ee gobolka Hargeysa iyo weliba mujaahidiin kale.
Kuwaas oo iyagoo aan maxkamad la horgayn markii dambe la sii daayey,
ilaa haddana xukuumaddu may sheegin ciddii ka dambeysay qaraxyadaas.
Sidoo kale isla sannadkan badhtamihiisii ayuu wasiirka daakhiligu
warbaahinta u sheegay inay qabqabteen koox budhcad badeed ah oo sita
lacago badan oo dollar ah oo ay madaxfurasho ka soo qaateen maraakiibta
ay ka afduubaan xeebaha Puntland, oo ay ragani asal ahaan ka soo jeedeen.
Hase yeeshee nimankaas ayaa muddo bilo ah markii ay xabsiga Hargeysa ku
xidhnaayeen la siidaayey, ka dib markii lagu cadayn kari waayey budhcad
baddeedka uu wasiirku ku eedeeyey, ragaas oo la cadeeyey inay ahaayeen
kuwo iskugu jiray shaqaale maamul goboleedka Puntland iyo ganacsato u
safrayey dhinaca Itoobiya.
Diyaaradaha Dagaalka Ee Ruushka Oo Duqeeyay Magaalooyin Georgia Ka Mid Ah |
Georgia, August10, 2008 (W. Wararka) – Sida ay sheegeen masuuliyiin
Ruush ahi dagalkan ayaa waxa ku dhintay boqolaal qof oo rayida oo ay
dileen ciidamada Georgia, inkastoo ay xukuumada Georgia ku sheegtay
tirada dhimashada mid intaas ka yar , mana jiraan warar madaxbanaan oo
sheegaya khasaaruhu inta uu leeg yahay.
Ra’isal wasaaraha dalka Ruushka Valadmir Putin ayaa joojiyey socdaal uu
ku tagi lahaa koonfurta Ossetia marka uu ka soo noqdo dalka Shiinaha oo
uu kaga qaybgalo furitaankii ciyaaraha Olympic-da aduunka, waxaanu Putin
ka dagay caasimada Vladikavkaz si uu ugala hadlo maamulka arimaha
qaxootiga ka dhashay dagaalka, sidaana waxaa sheegay Warbaahinta Ruushka,
danjiraha Ruushka ee NATO Divastry Rojozing ayaa sheegay inaan wada
hadal laga gali karin xaaladan ilaa ciidamada Georgia ku noqdaan
fadhiisimahoodii.
Dagaalkan ayaa waxaa keenay markii ay ciidamada Georgia weerar lama
filaan ah ku qaadeen habeenkii Khamiistii si ay u qabsadaan koonfurta
Ossetia oo hore uga noqotay madaxbanaani tan iyo markii uu dhamaaday
dagaalkii sokeeye sanadkii 1992-kii.
Baarlamaanka Georgia ayaa ansixiyey degreeto Madaxweyne oo cadaynaysa in
uu dalkaasi ku jiro xaalad dagaal muddo 15 maalmood ah.
Madaxweynaha Georgia Mikhail Saakashvili ayaa cadeeyey in ciidamada
Ruushku ay garaaceen goobaha dadka rayidka ahi ay dagan yihiin, balse
aanay garaacin goobo milatari.
Waxaa kale oo ay dawlada Georgia sheegtay inay u yeedhay ciidamada
kaydka ah, isla markaana waxay ka soo qaadanaysaa laba kun oo askari oo
reer Georgia oo ka mid ah ciidamada Maraykanku hogaaminayo ee jooga
dalka Ciraaq si ay uga qaybqaataan xaalada colaadeed, ee soo food
saartay Georgia.
Madaxweynaha Maraykanka Bush oo ku sugan dalka shiinah halkaas oo uu
halkaa kaga qaybgalay Olympica-da aduunka ayaa sheegay in dagaalka
halkaas ka aloosan uu yahay mid khatar ku ah gobolka, isla markaana loo
baahan yahay in la ixtiraamo xuduudaha uu leeyahay dalka Georgia,
Ruushkuna uu joojiyo ciidamada ay halkaas ku sii wadaan.
Commander ka tirsan ciidamada lugta ee Ruushka oo magaciisa la yidhaahdo
Vladimir Poldyrdv ayaa sheegay in ciidamadiisu ka xoreeyeen magaaladii
dagaalku ka dhacay isla markaana ay dib u celiyeen, laakiin xoghayaha
golaha nabadgelyada Qaranka Georgia Khaakha Lomaia ayaa sheegay in
magaaladaasi dhamaanteed ay gacanta ku hayaan ciidamadayagu sidaa waxaa
yidhi Khaakha.
Wakaalada wararka ee Ruushka ee interfax ayaa ka soo xigatay danjiraha
Ruushka u fadhiya Georgia Vyacheslav Kovalenka in laba kun oo qof oo
rayid ah iyo saddex iyo toban ka mid ah ciidanka nabad ilaalinta Ruushka
ay ku dhinteen magaalada Tskhinvaly.
Ciidamada Ruushka ayaa duqayn dhinaca cirka ah ka garaacay inta badan
meelaha Malatariga Georgia ay joogaan, taas oo ciidamada Georgia ka
lumisay inay u gurmadaan meesha uu dagaalku ka dhacay ee gobolka
Koonfurta Ossetia.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn la maqlayey,
isla markaana qiiq uu cirka isku shareeray iyadoo lagu arkayey
wadooyinka ciidamo iyo dad rayid ah oo ka yaacaya Rasaasta, waxaa kale
oo uu sheegay in la arkaayey dad dhaawac ah oo laga gurayo guryaha
goobta uu dagaalku ka dhacaayo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Georgia ayaa sheegay in dekada ku taal
Black Sea ee la yidhaah Poti oo ah meesha ugu weyn ee ay maraakiibtu
saliida ka qaadaan, ay burburiyeen duqaynta Ciidamada Cirka ee Ruushka.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Jamhuuriyada Isku magacowday Abkhaazia Mr
Sergei Sharaabo ayaa sheegay inay ciidamadeenu gaadheen goobta uu
dagaalku ka dhacayo, kuwaas oo ay ujeedadoodu tahay in ay ka qaybqaataan
sidii looga saari lahaa ciidamada Georgia meesha la yidhaahdo Gorgi.
Ruushka ayaa ciidamo nabad ilaalin ah ka joogin Abkhaazia, kuwaas oo ka
dambeeyey heshiis laga gaadhay dagaalkii Sokeeye ee Sagaashanaadkii,
markii ay goboladaasi ku dhawaaqeen madax-banaani.
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Iyo Mudaneyaasha Wakiilada Oo Maryo
Dhiigle Ku Kala Furtay Heshiiska Ay Xukuumaddu La Gashay Al-Jaabiri
|
“Heshiis Ganacsi Oo Ay Rugta Ganacsigu Gashay Oo Ay Saxeexday Ma Jiro,
Sidaa Aad U
Maqasheen Ayuun baanu U Maqalnay Ee Na Dhaariya,” Xoghayaha
Guud Ee Rugta Hargeysa, August 10, 2008
(Haatuf) – Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga oo fadhigii shalay ee golaha
wakiilada hor yimid ayaa sheegay inaanay heshiiska ganacsiga xoolaha ee
ganacsadaha Al-jaabiri aanay wax saamayna ku lahayn sexeexiisa iyo
galistiisiiba, iyagoo sidoo kalena sheegay in sixirka kootada ee xoolaha
ay ogolaadeen ganacsatada xooluhu isala markaana waxa ay dhinac iskaga
riixeen in golaha wakiiladu aanuu waajib ugu lahayn in heshiiskaasi
aanay waxba ka ogayn ay waydiiyaan nuqulkiisii.
Waxaanay fadhigaasi mudaneyaasha wakiiladu su’aalo ku weydiiyeen
gudoomiyaha rugta ganacsiga C/raxmaan Faarax Sugaal, xoghayaha guud C/laahi
Diiriye Jaamac iyagoo mararka qaarkoodna ay mudaneyaasha iyo
masuuliyiinta rugta ganacsigu ay isweydaarsanayeen Ereyo Dhiif-leh iyo
weedho kul-kulul.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiiladu C/raxmaan
Maxamed C/laahi Cirro ayaa ka hor waxaa fadhigaasi warbixin kooban oo ka
waramaysa waajibaadka rugta ganacsiga ka jeediyey xoghayaha guud ee
rugta ganacsiga oo ka waramay shuruucda ay rugtu ku dhisantahay iyo qaab
dhismeedka maamulka waxaanu sheegay in rugta ganacsigu ay tahay hay’ad
madax-banaan oo private ah isla markaana ay tirada guud ee golaha uu ka
koobanyahay (1500) oo xubnood oo ganacsato ah iyo guddi fulineed oo 7
xubnood ah waxaanu intaasi ku daray in waxyaalo badani ay u qabsoomeen
dhinacyada ganacsiga ee dibadaha wakhtigan xaadirka ahna ay ku
hawlanyihiin sidii xarun balaadhan oo rugtu yeelato ay u dhisi lahaayeen
intaa ka dib waxa ay mudaneyaashu halkaasi ku weydiiyeen masuuliyiinta
rugta ganacsiga su’aalo u dhignaa sidan, jawaabihii ay ka bixiyeena waxa
ay u dhignaayeen sidan:-
S: Md. Maxamed Faarax Qabile, maadaama uu heshiiskani ka soo hor jeedo
qodobka 11-aad ee distoorka qaranka ee tilmaamaya in ganacsiga dalku
xoryahay, qodobka 53-aadna uu sheegayo in xukuumaddu heshiisyada ay
gasho u soo gudbiso golaha wakiilada idinku rug ganacsi ahaan ma waxaad
u badheedheen in xukuumadu qodobadaa distoorka la jabiyeen iyadoo
ganacsataduna ay ka labanayso heshiiskaa kotada ah?
J: March 2007-dii ayaanu maqalnay inuu dalka yimid nin carbeed oo uu
doonayo inuu heshiis xoolaad dawlada la galo, sidaa dabadedna rugta
ganacsigu waa hay’ad private ah oo maaha mid dawliya, haddii wax nala
weydiiyana waanu ka jawaabnaa haddii nalaga kaaftoomana kuma dirqino
markii la galayay heshiiskaa waxaa loo baahday in sixir la qiimeeyo
dabeto ganacsatadii xoolaha ayaanu shir u qabanay waxaanay noo dhiibeen
sixir $38 markii aanu gudbinayna natiijadii ka soo baxday waxay noqotay
mid ay ganacsatadu isla ogolayd, heshiiska aad leedihiin in golaha loo
soo gudbiyo ayay ahaydna arintaasi rugta ganacsiga ma khusayso
golayaashiina iyo xukuumada ayaanay khusaysaaye dee idinku ka wada hadla
arimahaasi xitaa distoorka aad leedahay waa lagu gafay dee arinkaasi
rugta ganacsiga ma khusayso rugtuna waa naadiyar oo private ah oo kama
hadli karno labada ganacsato ee iska soo hor jeeda labadooduba rugta
ganacsiga way ku jiraan, cabashadaa taagana xukuumadda waanu u gudbinay
rugta ganacsiguna xisbi siyaasiya maahe, xukuumadana warbaahinta kalama
hadalno, wixii tala bixinana si dadban ayaanu ugu gudbinaa, ee dadka
iskuma dirno.
S: Md. Xaashi Xuseen Caabi. Sharcigan ay rugta ganacsigu ku dhisantahay
miyaanu muddo u xadidnayn gudoomiyaha maxaa keenay in la badali waayo?
Maxaa keenay in ganacsatada heshiiska lasoo gashay ganacsadaha sucuudiga
laga hor joogsado?
J: Xoghayaha guud:- 22-kii bishii April 2007-dii ayaa waxaa qabsoomay
shirweynihii rugta ganacsiga, waxaa lagu doortay guddi maamul oo 25
xubnooda oo uu sharcigu dhigayo, guddi daasina waxay doorteen guddi
fulineed oo ka kooban todoba xubnood intaa ka dibna, Gudoomiye, laba
gudoomiye ku-xigeen ayay doorteen gudoomiyuhuna doorasho toosa ayaa lagu
doortay, anigana gudida fulinta ayaa jagada xoghayaha ii doortay,
gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Jabuuti Siciid Cali Kuwaash 30 sano ayuu
xillka hayay maxjarka Jabuuti waxaa la furay 22-kii November 2006,
dabeeto waxaa noo yimid ganacsatada xoolaha waxaanay nagu yidhaahdeen
waxaanu doonaynaa inaanu maxjarka Jabuuti qaadacno oo aanay xoolo inaga
tagin iyo wasiiradii Ganacsiga, Xananada Xoolaha, Maliyada, ayaanu la
kulanay oo siinay waxaanay u qadimeen in xukuumadu qaraarka ka soo
saarto xoolo jabuuti uga dhoofa dekeda Berbera, intaa ka dibna xukuumadu
waxay soo saartay qaraar ay ku joojisay xoolo Jabuuti u dhoofa, todobaad
ka dib ayay ganacsatadii aanu la shirnay nagu soo noqdeen oo ay
yidhaahdeen ga’aankaa waa lagu degdegay aynu isla qaadanay hadana dib ha
loo eego, nimanka aad leedahay heshiis-bay soo galeen oo waa la
hor-joogsaday waa kuwaasi ee xoolo iyaga laga hor-joogsaday ma jiraan
go’aan ay iyagu qaateen guud ahaan.
S: Md. Ibraahim Axmed Haybe. Heshiiska ganacsiga xoolaha waxaad sheegtay
in gudida fulinta la soo weydiiyey talabixinta xaga qiimaha, adiguna
waxaad tidhi layma doorane fulintaa imagacawday, miyaanay haboonayn in
arinkaasi ay ka jawaaban masuuliyiintii la doortay?
J: heshiiska waxaa la saxeexay horaantii bisha April 2006-dii gudidan
fulinta ee la doortayna heshiisku wuu ka horeeyey, oo waxaa la dortay
23-kii April xiligaana waxaa joogay aniga iyo gudoomiyaha, hadaadse
hadal kayga saluugtay, dee shaqaalaha laftoodu xil bay hayaanoo wixii la
go’aamiyo aynuunbay qayb ka yihiin, gudoomiyaha sugaal oo isagu ka
jawaabaya durista ku wajahnayd masuuliyada xoghayaha guud ayaa yidhi
“horta mindi mindi ku taag maahee in arinka ka dhigtaan waa noo
yeedheene ixtiraambaa laydiinka baahanyahay, xoghayaha guud waxa uu
fuliyaa go’aanada ay gaadhaan guddida fulinta rugta ganacsigu isagaana
qoraalada iyo arimaha ubaahan jawaabida u igmana, markii la magacaabayna
25-kii xubnood ee fulinta ayaa xilka uu hayo u doortay, markii heshiiska
sixirka la galayyayna ganacsatada xoolaha oo uu ku jiro gudoomiyaha iyo
xukuumada ayaa waxay isla gaadheen sixir dhan $36 iyo $42 xiliga xajka
ah, sidaa saanu go’aankaasi ku soo baxay oo anagana naloo sheegay,
dabeetana waxaa bilaabmay muranka maanta taagan, go’aankaasina waxa uu
ahaa sixirka laga siinayo Al-jaabiri arintaasina waxay u taalaa
goleyaasha iyo xukuumadu inay go’aan ka gaadhaan.
S: Md. Cabdiraxaan Cismaan C aalin:- wasiirka ganacsigu waxa uu sheegay
in heshiiskaa kotada xolaha rugtiina ganacsigu gashay arinkaa maxaa ka
leedihiin?
J: xoghayaha guud ee rugta ganacsiga:- heshiis ay rugta ganacsigu gashay
oo ay saxeexday ma jiro, dee haddii na rumaysan la’adihiin dee na
dhaariya sidii maxkamadaha sidaa darteed heshiis ay rugta ganacsigu
gashay oo ay saxeexday ma jiro, maydiin dhaartaa cabashada ganacsatadana
dhinacayaga ayaanu ka tala bixinaynay oo kamaanu gaabin.
Guurtida Oo Guddi U Saartay Xeer Riyaale Awood U Siinaya Inuu Dhismeyaasha
Iyo Dhulka Danta Guud Iibin Karo |
Hargeysa, August 10, 2008 (Haatuf) – Waxka badalka iyo kaabista xeerka
dhulka ee xeer Lr. 17/ 2007 oo ay wakiiladu soo ansixiyeen ka dibna ay u
soo gudbiyeen golaha guurtida ayaa fadhigii shalay ee golaha guurtida oo
la filayay in goluhu dood ka yeesho wax ka badalka xeer Lr. 17 ayuu
shirgudoonku ugu bixiyey gudida arimaha gudaha si ay naaqishaad ugu
sameeyaan ka dibna ay golaha horkeenaan waxka badalka xeerka dhulka ee
xeer Lr. 17/ 2001 oo muddo todoba sanadooda golihii hore ee wakiilada
iyo xukuumada ku dhex wareegayay.
Balse markii ay golaha wakiilada ee la soo doortay waxka badalka ay
xukuumadu ku soo samaysay xeer Lr. 17 ay soo ansixiyeen ka dibna ay
golaha guurtida u soo gudbiyeen waxka badalka xeer Lr. 17/ 2001 ayaa
waxaa ku jira qodobka 31aad oo xukuumada u fasaxaya in dhismeyaasha
danta guud iyo dhulka ay dawladu leedahay ay xukuumadu ka iibin karto
qof, shirkadd iyo safarad iyadoon wax tartana aan loo glaaynin uu
madaweynuhu iibin karo, waxaanu qodobka 31aad ee wax ka badlaka xeer Lr.
17 waxa uu u dhiganyahay, dhismeyaasha danta guud iyo dhulka danta guud
ee loo arko in dani ku jirto in laga iibiyo, qof, shirkadd, ama
safaaradd, waxaa soo jeedinaya iibintooda guddi qaran oo ka booban
wasiirada hawlaha guud, ganacsiga maaliyada, hantidhawraha guud iyo xeer
ilaaliyaha guud ee qaranka waxaana awooda ogolaanshaha leh Madaxweynaha
iyadoon iibintoodana aan la soo marinayn gudida qandaraasyada
waxtartanana aan loo galaynin.
Sidaa darteed wax ka badalka xeer Lr, 17/ 2001, waxa uu awood u siinayaa
rayaale inuu dhismeyaasha danta guud iyo dhulka danta guud iibin karo.
Kooxo Budhcad Ah Oo Nin Soomaali Ah Ku Dilay Koonfur Afrika
|
Kooxo budhcad ah oo kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika ayaa markale dil u
geystay mid kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka ganacsada Dalkaasi
Koonfurta Afrika.
Kooxo budhcad ah ayaa dilay nin dhalinyaro oo lagu magacaabi jiray
Maxamed Xussen Maxamuud oo ah nin ganacsade ah oo dukaan ku lahaa
gobalka Eastern Cape ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Marxuumka ayaa dilkiisa la sheegay in ay ka danbeeyeen koox 4 nin ah oo
ku hubeysnaa bistoolada kuwaasi oo bililiqeystay guud ahaan wixii yaalay
dukaankiisa, waxaan jirin illaa iyo hada wax talaabo ah oo ay Booliska
dalkaasi ka qaadeen dilkan oo ah kii labaad oo lala beegsado ganacsade
Soomaali ah todobaadkan.
Weli lama cadeyn cida ay ahaayeen kooxdaasi lamana soo qaban, iyadoo
taasi ay walaac ka muujiyeen Soomaalida dadkaasi Koonfur Afrika ku
dhaqan oo sheegay in dilalkan ay soo noq noqdeen balse aan wax laga
qaban.
Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa ku sheegay bishan in ay
tahay bishii Dhimashada Soomaalida ee koonfur afrika iyadoo ay hada
Jaaliyadda dalkaasi ku dhaqan ay u guureen wadamo ay ka mid yihiin Sudan
iyo Kenya.
Bilihii la soo dhaafay ayey Soomaali badan u wareejiyeen ganacsigooda
dalkaasi Sudan gaar ahaan gobalka Jubba ee koonfurta Sudan halkaasi oo
la sheegay in Somalidu ay ka heleen ganacsi furan oo ay hada Soomaali
badan deegaankaasi ku wareegeen.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baaq Gaar Ahaan Ugu Socda Ciidamada Qaranka
Somaliland |
Waxaad og tihiin duruufihii iyo marxaladahii isugu jiray dayac, darxumo,
baahi, dagaal, qax iyo barakac ee ummadda Somaliland usoo dhabar
agaygeen ee ugu soo dulqaateen si ay jiritaankooda iyo midnimadooda u
sugaan. Waxaad ogtihiin wixii naf iyo maalba loo huray calanka manta
Somaliland ka taagan. Waxaad ogtihiin maanta duruufaha iyo
dhibaatooyinka dhaqaale, siyaasadeed, nabadgalyoiyo murug ee ka jira
dalka, ee maanta qofkasta iyo qoyswalba saameeyay. Waxaad wada
ogsoontihiin sadexdii gole ee umaddu ku aamintay aayahoodii oo waxay
kordhiyaan ha joogtee, dhibaatooyin iyo xaaladaha ay abuureen ee isdaba
jooga ah umaddii ku jahwareetay oo laga dhamaan waayay.
Waxaad ogtihiin dastuurkii iyo shuruudihii dalka loo dajiyay ee
madaxwaynaha iyo golayaasha lagu doortay ee meesha ku yimaadeen, ee
idinka idiin ansixiyay inaad sharciga fulisaan, in maanta lungo laga
joogo oo madaxwaynihii ilaalinlahaa maanta laga baryayo inuu dastuurka
tisgaliyo. Waxaad arkaysaan hantidii iyo dhaqaalihii umaddaoo si toosa
loo boobayo oo ilaa madaxwaynihii cid danaynaysaa jirin. Waxaad kalood
ogtihiin in khayraadkii dalka sida kaluunkii iyo macdantii shirkadaha
shisheeye heshiis hoos loogula galay oo manta waxaa oo heshiisa aan
midna cidi la ogeyn madaxwaynaha iyo wasiir iyadoo aan baarlamaanka
midna la horgayn.
Waxay maanta taagan tahay in dekadii Barbara la soo xidho oo loo
hogaansamo damacii madaxda Jabuuti. Waxaa maanta maamulka Somaliland ku
dhiiraday in ganacsigii xoolaha nool loo xakameeyo nin layiraahdo
ALJAABIRI iyo laba ma naxaan oo dilaal u ah, oo lagu siiyo qiime aad uga
hooseeya qiimihii suuqa xoolaha nool, lana diiday sidii dastuurku
dhigaayay ninkaa in suuqa lagula tartamo. Waxaa nasiib daro ah iyadoo
maanta uu madaxwaynihii ciidankii qaranka u adeegsado dano ganacsi gaar
ahaaneed oo xoolihii Jaabiri xoog lagu raro, iyadoo xoolihii ganacsatada
soomaliland bakhtigoodii Barbera wadhan yahay. Waxaa nasiib daro kale ah
iyadoo uu caadeystay madaxwayne Rayaale in gefkasta iyo dembi kasta oo
maamukiisa ka yimaada uu xal uga dhigo inuu ciidanka qaranka adeegsado
oo umadda ku cabudhiyo.
Waxaad ogtihiin in madaxwanaha Somaliland uu yahay nin cod bixin
dadwayne lagu doortay ee aanu ahayn kaligii telis xoog iyo ciidan dalka
ku qabsaday sidii M.S.Barre. Waa idinka kuwa qudha ee maamulka dalka ka
dhigi kara dal sharciga iyo dastuurka loo siman yahay oo waxa qudha ee
la dhowraa uu sharciga yahay ama ka dhigi kara maamulkii S. Barre oo aan
car iska rogin. Waxaa ogaataan inaad tihiin ciidankii qaranka oo aydaan
xisli iyo maamul gaar ah u shaqayn. Idinka iyo madaxwaynuhu xeerka iyo
sharciga waa usimantihiin. Waa inaad kala garataan xuduudka aa kala
leedihiin idinka iyo madaxda siyaasiyiinta. Amarkasta oo aan dastuurka
iyo shuruucda dalka waafaqsanayn ninkii bixiya iyo kii fuliyaa waa nin
ka qaybqaatay burburkii dalka oo qaranimadii ka galay dambi qaran.
Illaa immika madaxwaynaha iyo madaxda ciidamadu waxay u dhaqmayaan
habkii maamulkii Siyaad Barre ee umaddu ka dagaalantay. Waxaan idiinku
baaqayaa oo idinkula dardaarmayaa si aynu u ahaano qaran jira;
1. Siyaasiyiinta iyo xisbiyada tartan baa ka dhaxeeya. Haku milmina
tartankooda. Dhan hanoqonina ee dhex ahaada.
2. Yaan la idiin adeegsan dano iyo damac gaar ahaaneed.
3. Ha noqonina ciidan loo adeegsado burburkii dalkooda iyo caddaalad
darrada.
4. Ha kala biqina siyaasiyiinta inaad u sheegtaan markay dastuurkii iyo
sharcigii ku danaysanayaan, waxaa dhici karta inay garwaaqsadaan.
5. madaxwaynaha iyo kooxdiisu markay ku fashilmeen maamulkii dalka waxay
ku talo galeen in dagaal iyo qas ay dalka ka abuuraan oo ka bilaabaan
xadhiga birmagaydadii umadda, xaafado loo baadho cabudhin iyo caga
juglayn sidii maamulkii Siyadd Barre. Ha noqonina kuwo lagu meelgaaro oo
dadkoodii loo adeegsado.
6. Yaan la idin gaarsiin heer aad umadda iska hortimaadaan oo aad
burburkii labaad guudka aad u ridataan.
7. Garta ama ogaada halista ka iman karta hubka dadka lagu cabsiinayo.
8. Ninka madaxda u ah ciidanka sirdoonka waxaan leeyahay si fudud ha u
qaadan qandaraas dalka lagu burburinayo sidii M Jibril
Ilaahay xaqqa ha idin waafajiyo.
Sulaymaan Cumar Kujoog
London UK
Hargeysa waxa arageeda iigu danbaysay bishii Koowaad ee sannadkii
1988kii, oo sida muuqata ah muddo aad u dheer.
Maanta waxan joogaa Hargeysa, waxanan arkaa inay Hargeysa noqotay labo
Hargeysa oo laysku daray. Midda koowaad waa Hargeysadii qaddiimiga ahayd
ee Guri jooga reer Hargeysa dhisteen, midda labaadna waa Hargeysada
cusub ee qurba jooga reer Hargeysa dhisteen.
Dad baan arkaa oo dhulkooda dhisanaya, dawladna wali indhahaygu ma qaban,
danyartuna wali dayacan yihiin. Daar kasta oo cad waxa ka ag dhisan buul
yar oo duug ah, guri kasa oo maalintii toaban jeer lagu cunteeyana waxa
ku ag naban guri laga yaabo inuu maalintaas oo dhan waxba dhadhaarin.
Dhanxiir ayaan is idhi baadi goob, oo waxa laygu yidhi "Weger dee waar
ninkaasi dhinac kastaba wuu kaa joogaa ee waxba ha raadin, dhinacaad
eegtaba wuu joogaaye". Aniguna waxan ugu jawaabay, "Alliyo nabiiiiiiii,
dee waaryadhaheen odaygu ma Aw-busaataa mise waa abaadir". Balse wali
layma sheegin halka Daahir kaga dhuumanayo sayaxa iyo siigada iyo
sawaxanka Hargeysa.
Intaasi waa warkii oo kooban, isagii oo faahfaahsana mar kale ayaynu
iskugu soo noqon doonnaa.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye (HiilDanYare)
Hargeysa Top
|