Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 313 Date April 18, 2003

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Waramay Natiijada Doorashada: “Wakhtigan Adag waxa nagu khasab ah in aanu qaadano go’aan adag”. Musharaxa Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Ka Bixiyay Damaashaadka Taageerayaashiisa.

Taliyaha Booliska Oo Caddeeyey Inay Doorashadu Si Nabadgelyo ah u dhacday.

Dadka Reer Awdal Iyo Dareenkii Doorashada.

Ilaalada Guriga Martida Burco Oo Xidhay Nin Sawir Qaade Ah.

Negaad Iyo Cosongo Oo Ka Hadlay Siday U Dhaceen Doorashadii.

Ciidamada Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ay Walaalo Yihiin Sadaam.

Talyaaniga Oo Dalbaday In Gacanta Loo Soo Geliyo Abu Cabaas.

IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase.

ODHAAHDA AKHRISTAHA, Maqaal Furan.

Ninkii Xadhig Suuryeeyow Waxa Socota Taariikh.

Doorashadu Waa Caalamadii Helitaanka Ictiraafka.

Ciidnay Oo Ka Daali Weynay.

Miyaa La Ilaaway Tiyaatarka Hargeysa?

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray : Cabdi Caara-Dhuub Q :23aad.

JILBO-DHIIG, Qiso jacayl ah, waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed; waxaa tifaftiray A. Ducaale : 23aad.


Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Waramay Natiijada Doorashada: “Wakhtigan Adag waxa nagu khasab ah in aanu qaadano go’aan adag”. Musharaxa Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Ka Bixiyay Damaashaadka Taageerayaashiisa.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka, Axmed Xaaji Cali (Cadami), ayaa dib u riixay ku dhawaaqida natiijada doorashada Madaxtooyada oo la filayay in lagu dhawaaqo ugu dambayn maanta, sidaa wuxuu ku sheegay wareysi uu xalay 2:00 habeenimo siiyay weriyayaal ka tirsan Haatuf oo kula kulmay xafiiskiisa.

Gudoomiyuhu, wuxuu sababta dib u dhigista ku macneeyay laba arrimood oo ay ka mid yihiin; roobab ka da’ay gobollada iyo degmooyinka qaarkood oo xayiray gaawidhidii sanaaduuqda soo qaaday iyo arrinta labaad oo ah isqancin ayna xisbiyadu ku wada qancaan tirinta codadka, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay dhawr iyo labaatan sanduuq oo sharciyadooda madmadow ku jiro, sidaa darteed markii hore la hakiyay laakiin uu xisbiga UDUB ku dooday in la tiriyo, taas oo ay xisbiyada kalena ku doodeen in la tirtiro maadaama uu sharciyadooda madmadow ku jiro. Laakiin kulan ay xalay yeesheen madax ka socota xisbiyada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka, waxa la sheegay in ay isla afgarteen in dib loo eego sanaaduuqdaa oo wixii ay sharciyadoodu ansixi karayso la tiriyo, wixii kalena la tirtiro.

Labadii maalmood ee u dambeeyay, waxa soo noqnoqonayay sawaxan iyo damaashaad ka soo yeedhaya hawl-wadeenada iyo taageerayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UDUB, iyadoo ay habeenkii xalay taageerayaasha xisbiga KULMIYE sawaxan iyo damaashaad badan isla jiidheen, aadna loogu xoomay guriga musharaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, kadib markii ay soo yeedhay tibaax sheegaysa inuu xisbigoodu guul ka helay codadkii la tiriyay, laakiin gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo arrimahaa ka hadlay ayaa yidhi, “Mar haddii doorashadii lagu guda-jiro oo aanay weli natiijo soo bixin, maaha in ay xisbiyadu damaashaadaan, warbaahintu ma aha in ay faallo iyo shax iska qoraan, waxaanuna ka codsanaynaa xisbiyada iyo dadweynaha qofkii Illaahay u calfay ayaa heli doonee in aanay ka hor dhicin natiijada.”

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay ugu dambayn natiijada ku dhawaaqi doonaan maalinta berito sabtida ah, laakiin wuxuu intaa ku daray in laga yaabo in ay maanta hawshu soo geba-gebawda maalinta gelinka dambe.

Gudoomiyaha mar la weydiiyay in ay culays saareen niman wasiiro ah iyo saraakiil dawladda ka tirsani, waxa uu ku jawaabay in aanay cidina waxba ku qasbi karin, taas darteedna ay wakhtigan adag ku talo jiraan in ay qaataan go’aan adag.

Waxa kale oo xarunta guddiga doorashooyinka ilaa xalay aad u raqaynayay hawl-wadeenada iyo madaxda xisbiyada siyaasadda, iyadoo ragii halkaa joogay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan xisbiga UDUB, kuwaas oo guddiga doorashooyinka cadaadis ku saarayay in la tiriyo sanaaduuqda daboollan ee sharciyadooda madmadowga lagu sheegay. Sidoo kale, waxaa xalay xarunta guddiga doorashooyinka iyo is-goysyada wasaarada arrimaha gudaha waxa raabo-raabo u tubnaa cutubyo ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa milateriga, kuwaas oo hakinayay dhaqdhaqaaqyada gaadiidka, taas oo laga yaabo in ka shaqaynayeen xoojinta ammaanka magaalada.

Dhinaca kale, waxa habeenkii xalay wadooyinka laamiga ah ee badhtamaha magaalada goor dambe ku gaadhay dad farabadan oo u soo jeeday in ay maqlaan natiijada doorashada, kadib markii ay soo yeedhay tibaax ah in ay guddiga doorashooyinku habeen badhkii xalay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada, laakiin ay taasi dib u dhacday, iyadoo ay dadku xataa aad u mashquuliyeen ama u culaysiyeen xarunta wargeyska Haatuf, taas oo ay dadka qaarna lug ku imanayeen ama telefoon si isdaba jooga ugula soo xidhiidhayeen, si ay war uga weydiiyaan arrinta la naawilayay ee natiijada doorashada.

Sidoo kale, waxa dadka gaar ahaan taageerayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UDUB la kulmay jahawareer badan, kadib markii ay si isdaba jooga ay dhegahooda ugu soo dhaceen tibaaxo sheegaya in qolo walba xisbigeedu guulaystay, waxana sawaxankii iyo damaashaadkii ugu badnaa sameeyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo sheegay inuu xisbigoodu guulaystay, laakiin ilaa hadda ma soo bixin warar rasmiya oo caddaynaya sida loogu kala guulaystay doorashadii Isniintii dhacday.

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo ay xalay habeen badhkii weriyayaal Haatuf ka tirsani kula kulmeen xarunta guddiga doorashooyinka oo uu soo gaadhay ayaa wax ka weydiiyay damaashaadka iyo sawaxanka ka soo yeedhay taageerayaashiisa, waxaanu yidhi, “Anigu ma ogi damaashaad, isla markaana weli ma soo bixin natiijo rasmi ah, waxaananu natiijada rasmiga ah ka sugaynaa guddiga doorashooyinka.”
 

Top


Taliyaha Booliska Oo Caddeeyey Inay Doorashadu Si Nabadgelyo ah u dhacday.

Hargeysa (Haatuf): Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, C/qaadir Muuse Maxamed ayaa dadweynaha reer Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda uga mahad-naqay sidii nabadgelyada ahayd ee ay codkooda u dhiibteen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday maalintii Isniinta ee 14-kii Abril 2003, wuxuuna taliyaha boolisku sidaa ku sheegay qoraal uu shalay soo saaray, isaga oo sheegay inuu ku hadlayo magaciisa, magaca saraakiisha booliska iyo magaca dhammaan ciidanka booliska Somaliland, laakiin qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Aniga oo ku hadlaya magaca saraakiisha iyo dhammaan ciidanka booliska waxaan ammaan iyo u soo jeedinayaa shacbiweynaha Somaliland iyo axsaabta siyaasiga ah sida heerka sare ah ee ay u ilaaliyeen nabadgelyada, ayna isaga xil saareen. Waxa kale oo aan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa ciidanka booliska JSL. Meelkasta oo ay joogaan sida adkaysiga iyo dhiifoonaanta leh ee ay u muujiyeen guusha”.

Top


Dadka Reer Awdal Iyo Dareenkii Doorashada.

Boorame (Haatuf): Ninka kormeeraha guud ka ahaa hawsha doorashada gobolka Awdal, oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashada Qaranka, Maxamed Maxamuud Garaad ayaa sheegay inay doorashadan gobolka Awdal hoos u dhacday tirada dadka codadkooda dhiibtay marka loo eego tii dawladaha hoose, taasna waxa uu sheegay inay ugu wacan tahay abaaro gobolka ka jira, taas oo keentay inay dadku u guuraan degaamo durugsan ama gobolka ka baxsan. Sidaana waxa uu Garaad ku sheegay shir-jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Boorame.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar waxa uu kormeeraha doorashooyinka gobolka Awdal, Maxamed Maxamuud Garaad sheegay inay doorashooyinku gobolka uga dhaceen si nabadgelyo ah, isla markaana ilaa 16 sanduuq oo muran ka dhashayna aakhirkii la xalilay.

Dadka reer Boorame waxay doorashadii madaxtooyada laxaadkoodu taageereen xisbiga uu ka sharaxan yahay madaxweyne Daahir Rayaale ee UDUB, waxayna dadkaasi labadii maalmood ee u horeeyey hadal hayeen guusha ay ka gaadheen xisbiga KULMIYE, laakiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo gobolka Awdal lagaga badan yahay ayaa iyagu dhaliilaya sida loo maamulay hawsha doorashada Awdal, waxayna hadda xamaasadda Boorame taal gaadhay heer ay taageerayaasha UDUB ku hanjabaan inay ka hor iman doonaan xataa hadii ay KULMIYE guulaystaan, laakiin madaxda KULMIYE ee hadda Boorame joogta ayaan iyagu arimahaa ka hadlin, iyadoo ay qaar ka mid ah taageerayaasha UDUB ku ololaynayeen inaan la doorran xisbiga Kulmiye, iyadoo dadka sas badan laga qaadsiinayey xisbiga KULMIYE oo ay hogaamiyayaashiisa sare yihiin madaxdii ururkii SNM.

Top


Ilaalada Guriga Martida Burco Oo Xidhay Nin Sawir Qaade Ah.

Burco (Haatuf): Nin sawir-qaade ah oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Jaamac ayaa shalay, xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay ilaalada guriga martida Burco qabteen, isaga oo sawir fiidyow ka duubaya guriga martida iyo duleedadiisa, ka dibna ay xidheen.

C/laahi Jaamac waxa uu weriyaha Haatuf ee magaalada Burco , Liibaan Maaweel Shire u sheegay inay askarta ilaalada guriga martidu nabaro ku dhufteen, ka dibna xibsiga u taxaabeen, isaga oo yidhi “Waxaan guriga martida ka duubayey kamaro fiidyow, weligayba waan ka duubi jiray, ka dibna askartu inta ay I qabatay ayey I garaacday oo ay kamaradii iga qaadeen, wayna I xidheen, balse markii aan dhawr saacadood xidhnaa ayaa la I soo daayey, kamaradiina waa la ii keenay.”

Dhinaca kalena ilaalada guriga martida oo aan wax ka waydiiyey sababta ay ninkaa u xidheen ayaa ka gaabsaday inay su’aashaa jawaab ka bixiyaan , iyadoo ay guriga martida waqtigan ku sugan yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo beryahan-ba socdaal ku joogay halkaa.
 

Top


Negaad Iyo Cosongo Oo Ka Hadlay Siday U Dhaceen Doorashadii.

Hargeysa (Haatuf): ururka bulshada ee dalaayad ah NEGAAD iyo COSONGO ayaa sheegay inay doorashada madaxtooyada Somaliland ahayd mid u dhacday si nabadgelyo iyo cadaalad leh, sidaana waxay ka sheegeen shir-jaraahid oo ay shalay ku qabteen xarunta gaboodka haweenka ee NEGAAD ee magaalada Hargeysa, xubna u hadlay dalaayadaha oo kala ahaa Saado Xaashi Cawad iyo Caasha Maxamed Axmed (Negaad), C/laahi Sheekh iyo Cabdi Saxardiid oo iyaguna u hadlay dalaayadaha Cosongo, waxay sheegeen inay ilaa 600 oo goobood oo ka tirsan lixda gobol ee Somaliland ay joogeen goob-jogayaal ka socday dalaayadahaa, kuwaas oo doorashada ka hor la siiyey tabobar la xidhiidha dhinaca doorashada.

Laakiin xubnaha u hadlay dalaayadaha NEGAAD iyo COSONGO waxay xuseen inay jireen waxyaabo loo baahan yahay inanay mar danbe dhici oo laga taxadiro si aanay raad ugu yeelan doorashooyinka danbe ee la filaayo ee barlamaanka, waxyaaba ay tilmaameen waxa ka mid ah xisbiyada tartamaaya oo isticmaalaayey gaadiid iyo astaamo ay leeyihiin intii lagu guda jiray cod-bixintii iyo waxyaalo kale oo dhinaca wacyi-galinta ah ee bulshada oo aan fahmin doorashada, taas oo keentay inay dadku iska masaxeen.

Waxa kale oo ay sheegeen in goobaha cod-bixinta oo aan loo eegin tirada dadka ka codayn kara la siiyey tiro isleeg oo waraaqo ah.
Shaqaalaha goobaha oo qaarkoo ka muuqatay xirfad la’aan, isla markaana ay jireen cabashooyin ka soo baxaayeen dhinaca gunada shaqaalaha ee goobaha, laakiin C/laahi Sheekh ayaa gaar u xusay inay laga maarmaan tahay in doorashooyinka danbe ee barlamaanka sidii dadka Somaliland codkooda uga bixin lahaayeen iyo sidii dadka loo diiwaan galin lahaa, si aanay u dhici inuu qofku laba goor codeeyo, waxayna dalaayada waxay u soo jeediyeen mahad naq shacbiga Somaliland iyo saxaafada sidii ay ugu qayb-qaateen, laakiin waxay xisbiyada tartamaaya u soo jeediyaan inay ku qancaan natiijada cod-bixinta marka la soo saaro ga’aanka, waxayna xubnahani intaa ku dareen inay waxyaabahani hordhac u yihiin qaabkii doorashada, balse dib u soo sheegi doonaan wixii ay arkeen iyo wixii ay soo jeedinayaan.

Top


Ciidamada Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ay Walaalo Yihiin Sadaam.

Baqdaad (W.Wararka) Ciiidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen nin ay walaalo yihiin madaxweynihii talada laga tuuray ee Sadaam Xuseen maalintii shalay. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay taliska ciidamada maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq, waxa uu sheegay isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id in qabashada ninkaasi ay ku suurta gashay, iyada oo aanay wax dhibaato ahi dhicin, ka dib markii ay heleen macluumaad ku saabsan halka uu ninkaasi joogay, ka dibna ay u hawlgaleen sidii ay u qaban lahaayeen, ninkan la qabtay oo la yidhaahdo Barsaan Tikriti oo ay Sadaam xuseen xagga hooyo ka walaalo ahaayeen, waxa la sheegay inuu ka mid ahaa la taliyayaasha sare sare ee Sadaam Xuseen siddaa daraadeedna uu hayo macluumaad iyo siro badan oo muhiim ah, kuwaas oo la xidhiidha waxqabadkii iyo hawlihii ay waday dawladdii la riday ee Sadaam Xuseen.
Tikriti waxa la sheegay inuu madax ka ahaa sirdoonkii Sadaam Xuseen intii u dhaxaysay sanadihii 1979-1983-kii ka dibna waxa la sheegay inuu noqday safiirka Ciraaq u fadhiya xarunta qaramada midoobay ee Geneve intii u dhaxaysay 1988-1997-kii muddadaa ka dib waxa la sheegay inuu ku sugnaa dalka Ciraaq, isaga oo qabtay jagooyin kala duwan.

Tikriiti oo lagu eedaynayo inuu geystay falal xad-gudub ku ah xuquuqda Insaanka, hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaa dalbanaya in maxkamad lagu soo taago xad-guddubyadii uu ka geystay deegaanada dadka Kurdiyiinta ah, iyada oo la sheegay inuu ka qayb qaatay dilka kumanaan qof, iyo inuu ka qayb qaatay, falal lagu xasuuqay ama lagu khaarajiyey shaqsiyaad badan oo ka caan ahaa dalka Ciraaq.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Maraykanka ee dagaalka ka wada dalka Ciraaq Jenerral Tommy Frank ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Baqdaad taas oo ah booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago halkaasi tan iyo markii ay ku guulaysteen ciidamadiisu, inay xukunka ka tuuraan taliskii Sadaam Xuseen waxaanu kormeerayaa ciidamada kala duwan ee ku sugan Ciraaq, mar uu l hadlayey ku sugan Baqdaad, waxa uu sheegay inkasta oo ay dagaaladu yaraadeen haddana ay meelaha qaarkood ka dhacaan dagaaladu.

Madaxweynaha maraykanka George W. Bush ayaa isaguna dhiniciisa ku baaqay, in cuna-qabataynta laga qaado dalka Ciraaq, taas oo saarnayd ilaa 1990-kii mar haddii xukunkii laga tuuray taas oo uu ku tilmaamay in ay xoreyn u ahayd shacbiga reer Ciraaq.

Waxay tani ku soo beegantay iyada oo dalalka xubnaha ka ah midawga Yurub ay ku baaqeen inay qaramada midoobay udub dhexaad u noqoto dib u dhiska dalka Ciraaq, isla markaana waxay ku baaqeen in shacabka reer Ciraaq ay iyagu is-xukumaan, waxaanay sidaa ku sheegeen shir madaxeed dalalkaasi ku yeesheen dalka Giriiga.
 

Top


Talyaaniga Oo Dalbaday In Gacanta Loo Soo Geliyo Abu Cabaas.

Talyaaniga Oo Dalbaday In Gacanta Loo Soo Geliyo Abu Cabaas.

Baqdaad (W.Wararka) Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa gacanta ku dhigay Maxamed Cabaas oo loo yaqaan Abuu Cabaas kaas oo hogaamiye u ah jabhada xoreynta Plastin iyada oo lagu eedaynayo inuu ka dambeeyey afduubistii markab laga lahaa dalka Talyaaniga sanadkii 1985-kii taas oo ay ku dhinteen dad uu ka mid yahay Yuhuudi Maraykan ahi. Sanadkii 1987-kii ayey maxkamad ku taala dalka Talyaanigu ayey ku xukuntay Xabsi Daa’im maqnaashiiyo ah, balse haatan ayey suurta gashay in gacanta lagu dhigo, dawladda Talyaaniga ayaana ka dalbatay maraykanka in gacanta loo soo geliyo Abuu Cabaas, taas oo ay haatan wada hadal ka leeyihiin masuuliyiin maraykan iyo talyaani ahi.

Qabashada Al-Cabaas waxa cambaareeyey Jabhadda xoreynta shacabka Falastiin, iyaga oo ku tilmaamay fal argagixiso ah waxaanay dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo, Abu Cabaas oo xubin ka ah guddida siyaasadda ee Jabhadda xoreynta reer Falastiin, balse ilaa hadda may caddayn ciidamada Maraykanku waxa ay ka yeelayaan Abuu Cabaas.
 

Top


IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase.

Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaadheeen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u iibsadaan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karayeen ganacsatadaas.

Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dhaafno si uu noogu dhammeystiro sheekadiisa xiisaha badan, wuxuuna yidhi Dhalxata:

Mar aanu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu soo baxay wadaad kiristaan ah oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo leh “ganacsatooy, waxaa dadka weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer Makka ah”. Markaas uu sidaas leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u degdegay waxaana ku idhi: “haa, oo annigaa ka imid Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la soo saaray Axmad, markaasaan ku idhi: “waa kuma Axmad?!”. Wuxuu igu yidhi waa inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay “bishan waa bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu danbeeyay nebiyada, waxaa laga soo saari doonaa dhulkiina Xaramka (makka), wuxuuna u hijroon/guuri doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow, geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan tahay cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas wiilyahow”. Wuxuu yidhi Dhalxata, hadalkii ninka waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku degdegay awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xidhxidhay sidiina ay ugu kicitimay magaallada Makka.

Raadka uu islaamka ku leeyahay akhlaaqda suubban.

Markaan imid magaaladii, waxaan reerkayga weydiiyay su’aashan: “ma wax dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka dabaday?”. Waxay yidhaahdeen haa, oo waxaa istaagay Muxammad Binu Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar). Dhalxata wuxuu yidhi, horey ayaan u garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo dulqaad badan ayna dadka jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci wanaagsan. Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad ayaan u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan Qureysh iyo abtirsigeeda. Waxaan markiiba tagay Abuubakar, waxaana ku idhi, ma run baa waxa la leeyahay ee ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay nebinnimo, adigana aad raacday?!. Wuxuu yidhi haa, kadibna wuxuu billaabay inuu iiga sheekeeyo nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan soo islaamo, annigana xaggeyga waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ahaa. Aad ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu maqlay, wuuna jeclaystay, wuxuuna igu yidhi: “bal inoo-kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu ku leeyahay, si aad markaas u soo gashid diintii Alle.

Dhalxata wuxuu yidhi, waxaan anniga iyo Abuubakar tagnay Muxammad, wuxuu ii soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu dul-aqriyay qaar ka mid ah suuradaha qur’aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u waasiciyay diinta Islaamka, waxaana uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay, farxad aad u weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib markii uu maqlay, dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq lagu caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle. Waxaan galay lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta Abuubakar. Saddaxda kale ee gacanta Abuubakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad Binu Abii Waqaas, Cusmaan Binu Abii Caffaan iyo Zubeyr Binu Al-cawwaam.

Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala kulmay.

Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii uu ka dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga badan ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in badan isku dayeen inay ka weeciyaan diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u ogaadeen inuu iimaankiisa sugan yahay aadna u xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin inuu ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala quusteen inay si hadal leh ugu qanciyaan inuu diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen inay cuskadaan jidhdil iyo ciqaab.

Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash wuxuuna yidhi: Mar aan socdo Safa iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo eryanaya wiil labadiisa gacmood lagu xidh-xidhay qoortiisa, dadku waxay daba socdeen wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa iyadana xagga danbe socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaadho wiilka inay garaacdo, hase ahaatee waxay caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna igu yidhaahdeen waa Dhalxata Binu Cubeydillaah oo ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii Muxammad Binu Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka ahayd ee wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay wiilka, waxayna igu yidhaahdeen waa Sacba’ Bintu Al-xadrami, waana wiilka hooyadiis.

Labadii la isku xidhiidhiyey.

Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu naanaysi jiray libaaxii qureesheed ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu ku xidhxidhay xadhig, xarigii ayuu haddana kula xidhay Abuubakar, dabadeedna wuxuu u dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa magaallada Makka, si ay u xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran.
Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuubakar As-siddiiq loogu yeedhi jiray labadii-la-sku-xidhiidhiyey. Waxay maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is daba-raacayaan, Dhalxata Binu Cubeydillaahina uu maalmahaas ka siyaadsanayo dhammeystiran, wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada Rasuulka (scw) uu sii weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo muslimiintana ay sii kobcayso siina fidayso ilaa maalintii danbe ay muslimiinta ugu naaneysaan shahiidkii haddana noolaa, taasoo loola jeedo saxaabigii Jidka Alle ku dhintay, haddana dunida guudkeeda saaran oo nool. Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii deeqsiga badnaa, Dhalxihii kheyrka la burqanayay, dhammaantoodna mid kasta waxay leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso yareyn.

Maxaa loogu bixiyay shahiidkii haddana noolaa?

Aynu ku hor marnee sheekada la xidhiirta sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa, waxay ahayd maalintii daggaalka Uxud, markii ay muslimiinta ka carareen Rasuulka (scw), ayna markaasna Rasuulka (scw) ku harin oo keliya waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar ah, iyo Dhalxata Binu cubeydillaahi oo ka mid ahaa muhaajiriinta.

Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama korayay buurta isaga iyo intii la socotayba, iyadoo ay sii korayaan buurta ayaa waxaa ku soo baxay oo soo gaadhay koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo doonaya inay dilaan Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa wuxuu saxaabadii ku yidhi: “yaa naga caabbinaya kuwan oo noqonaya saaxiibkayga Jannada”. Dhalxata ayaa durbadiiba yidhi “ anniga, Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa yidhi “waa anniga qofkaas Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa yidhi “haye, waa adiga”. Ninkii saxaabiga ee ansaariga ahaa wuu dagaalamay jeer markii danbe laga dilay. Haddana Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay markale sii fanteen buurtii, gaaladiina haddana way ku soo baxeen. Markale ayuu Rasuulka (scw) yidhi “war ayaa nin u ah kuwani?!”. Dhalxata ayaa misna yidhi anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) wuxuu ku yidhi: “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa haddana yidhi anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi “haa, waa adiga”. Intaa dabadeed ninkii ayaa la dagaalamay gaaladii jeer ay markii danbe isna ka dilaan. Haddana Rasuulka (scw) wuxuu sii koray buurta, gaaladiina way soo raaceen, kama uusan suulin Rasuulka (scw) inuu ku celcelinayo hadalkiisii hore, Dhalxana uu leeyahay anniga Rasuulkii Allow, Rasuulkuna uu leeyahay maya, uu saxaabi kale u fasaxayo inuu caabbiyo gaaladaas jeer ay 11-kii ansaarta ay dhammaantood halkaas ku shahiidaan. Waxaa Rasuulka (scw) weheliyay oo keliya Dhalxata, gaaladii ayaa haddana markale soo haleelay Nebiga.

Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo gaadhay dagaalkii Uxud.

Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku yidhi: “hadda haa”. Rasuulka (scw) waxaa dagaalka ka soo aaray dhaawacyo. Waxaa la jabiyay dhooshiisa hoose, wejigana waxaa ka soo gaadhay dakhar, sidoo kalena dabintiisa hoosena waxaa soo gaadhay dhaawac, dhiig badan ayaa ka soo daatay wejigiisa sharafta badan, daal iyo tacab aad u daranna maalintaas wuu hareereeyay jidhkii suubbanaha Nebiga (scw). Dhalxata wuxuu guda-galay inuu rogaal-celin ku sameeyo gaaladii si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna intaa kadib u soo laabanayay Rasuulka (scw) si uu u saaro xagga sare ee buurta, markale ayuu haddana gaaladii u soo laabanayay, sidaas ayuu sameenayay jeer uu markii danbe gaaladii ka fogeeyo.

Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii Dhalxata.

Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: “waqtigaas iyada ah anniga iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax waxaan ahayn kuwo ka fog Rasuulka (scw), markii aan u nimid si aynu u daawayno wuxuu Rasuulka (scw) nagu yidhi anniga iga taga, oo waxaad aaddaan saaxiibkiina”, wuxuu ka waday Dhalxata. Haddaan u nimid Dhalxata, waxaan aragnay isagoo dhiig baxaya, jidhkiisana waxaa ku yiilay dhowr iyo toddabaatan dhaawac ama seef ah ama waran ama leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo aragnay isagoo gacantiisiina qaybta horena la gooyay, kuna dhacay meel god ah isagoo suuxsan. Sidaa darteed ayuu Rasuulka (scw) u odhan jiray wixii intaa ka danbeeyay “ruuxii jecel inuu arko nin dunida dusheeda socda, isla markaasna dhintay ha eego Dhalxata Binu Cubeydillaah”. Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa markii la xuso daggaalkii Uxud kii yiraahda “waa maalintii Dhalxata”. Intaas waa sheekada la xidhiidha sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa.

Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka badnaa.

Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa la xidhiidha sababta loogu naaneysay Dhalxihii kheyrka badnaa iyo Dhalxihii deeqsiga badnaa, waxaa hubaal ah inay iyadana leedahay boqolaal sheeko. Dhalxata wuxuu ahaa ganacsade leh hanti fara badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaallada Xadramuut uga timid lacag gaadhaysa 700 000 dirham. Wuxuu habeenkaas Dhalxata seexday isagoo walbahaarsan, aadna u murugaysan. Waxaa u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum Bintu Abiibakar As-siddiiq, waxay aragtay inuu aad u murugaysan yahay, waxayna ku tidhi: “maxaa kugu dhacay Abii Maxammad?!!, ma wax dhibaato ah ayaa xaggayaga kaaga timid!”. Dhalxata wuxuu afadiisa ku yidhi: “maya, adigu waxaad tahay afo tan ugu wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo xaley waan fekerayay oo waxaan naftayda ku lahaa muxuu yahay malaha nin Rabbigiisa hadduu seexdo iyadoo ay gurigiisa taalo lacagtaas”. Waxay tidhi, maxaa ku walbahaarinayo!?, aaway dadkii tolkaaga ahaa ee masaakiinta ahaa, markaad waabiriyaysato u qaybi maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay hadalkii ay ku tidhi xaaskiisa, wuxuuna ku yidhi “Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle (sw) waafajiyay towfiiqda, sidoo kale aabahaa”.

Markuu waagu baryay Dhalxata wuxuu lacagtii ku guray qariirado kala duwan, dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta reer ansaar iyo muhaajidhiin. Dhalxata wuxuu ahaa deeqsi u roon masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan wuu siin jiray. Waxaa la sheegaa sidoo kale inuu maalin maalmaha ka mid ah uu Dhalxata u yimid nin doonaya in wax la taro, dabadeedna wuxuu u sheegay inuu jiro dhul qiimihiisa gaadhaya 300 000 kun oo dirham, wuxuu dooransiiyay inuu dhulka qaato, ama uu qiimihiis qaato, hase ahaatee wuxuu ninkii doortay inuu qaato lacagtii, wuuna siiyay, maxaa yeelay wuxuu arkayay ajarka iyo xasanaadka Alle agtiisa uu ka rajeynayo inuu kumanaan jeer ka weyn yahay hantidan. Ilaahay ha ka raalli noqdo Dhalxihii kheyrka iyo deeqsiga badna, mujaahidka ahaa, qabrigiisana Allaha u iftiimayo. Intaasina waxaa ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka ahaa ee Dhalxata binu Cubeydillaah

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA, Maqaal Furan.

Inagoo xasuusan marxaladahii adkaa ee aynu soo dhaafnay iyo xilkaskii shacbiga Somaliland tusay dadwaynaha aduunyada in Somaliland tahay dal aduunyada la qaybsankaraaya demoqraadinimada, waxaanu ku kalsoonahay in shacbiga Somaliland codkooda u dhiiban donaan ayagoo ka fikaraaya aayahooda dambe, iyo nabadgelyada, islamarkaana aanay ka aqbalin qof khal-khaliya nabadday haystaan. Waxa kaloo aanu ku kalsoonahay guusha iyo nabada ay soo gaadhsiisay dawlada Somaliland halgankii dadwaynuhu u soo maray nabadgelyada iyo demoqraadiyada ay Somaliland haysato maanta. Markaa waxaanu shaki ka jirin in dawlada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridku inay nabada iyo danta dadweynaha wax walba ka hormariyaan.Guul Somaliland. Mahadna Allah Leh.

Vice Chair, Sahra Huseen, Somaliland European Women.

Top


Ninkii Xadhig Suuryeeyow Waxa Socota Taariikh.

Doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday Isniintii toddobaadkan waxay runtii ahayd dhacdo taariikhiya, isla markaana qiime weyn ugu fadhida mustaqbalka siyaasadeed, iyadoo sida la ogyahay ay doorashadaasi u dhacday si nabadgelyo ah, isla markaana ay dadka reer Somaliland codkooda u dhiibteen si ay dheehan tahay bisayl iyo rabitaan wadaninimo. Waxaanse odhan karaa xisbiga UDUB iyo xukuumadda is huwani ma leexleex iyo qalqaloocis yarayn, iyadoo ay hatigaadda iyo iyo falalka cabsi gelinta ahaa ee dhacay inta badan ka imanayeen dhinaca wasiirka daakhiliga, isaga oo mar walba lka baqayey in doorashada lagaga guulaysto xisbiga uu ka tirsan yahay, taas oo la rumaysan yahay inuu wasiirka daakhiligu waxaas oo qas iyo walaaq ah u samaynayey sidii uu codad aan sharci ahayn oo badan ugu heli lahaa xisbiga uu ka tirsan yahay ee UDUB, iyadoo la isticmaalayo awooddii iyo hantidii Qaranka, waxayse hadda u muuqataa inuu xisbiga UDUB ku guul daraystay inuu soo baxo.

Sidaa awgeed xisbiga UDUB iyo wasiirka daakhiliga oo u muuqda niman u qaadan la’ in laga guulaystay waxaan kula talin lahaa in hadii laga guulaystay ay si sharaf leh ugu haniyeeyaan xisbiga guushu raacday, isla markaana aanay dalka qas iyo rabash gelin, waayo qaranimad Somaliland qiimo iyo doorashada dhacday qiimo weyn oo naf iyo maalba leh ayey ku fadhiyaan.

Ugu dambayn hadalkayga waxaan ku soo koobayaa tixdan gabayga ah, “Siddaha caarrada xuubka caarada wa’kaa erigii sudhane, sibqataye ninkii daadiyow kaama saamixin, ninkii xadhig suryeeyow waxa socota taariikhe”.

C/casiis Aadan Habane, Hargeysa.

Top


Doorashadu Waa Caalamadii Helitaanka Ictiraafka.

waa boqolaal shaanbadood oo isdaba yaal qaata oo meel walba la gala soo hooya guusha waa dalkeenii taariikhduu baal dahab ah ka galay maanta. waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo diraynaa aniga oo ku hadlaya magaca Hay'adda Maalgalinta iyo Horumarinta "Kalkaal" Shacbiga reer Somaliland ee suurto galiyey inay ku doortaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si nabad iyo xilkasnimo leh waa cawo iyo ayaan meel walba oo aanu ka joogno adduunka maanta waxay tani noo horseedaysaa in ictiraafka Somaliland aanu muran gali karin in badan ayaan ilaahay ka barinay inay tani maalin uun dhacdo.

Dawladaha ka taliya siyaasadda adduunku maanta dhagta kaliya ee ay wax ku maqlaan waa dimuqraadiyad ayaa halkaas laga heleyaa iyo natusa aan idin aragnee. Waxaynu soo marnay jid dheer oo dhibaato iyo qaxar badan lagala soo kulmay dagaalo ba'an oo kumanaan ku geeriyoodeen. Uma ciil qabo dagaal yahankii SNM geesigii shahiiday shalayto oo maanta ayaa la gaadhay maalintii uu madaxa ku hayey ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee. Somaliland ayaa maanta wargaysyada adduunku ku qoreen bogga ugu horreeya doorashada ka dhacday iyo sida adduunku uga soo qayb galay. Radiyahana warar laga sii daynayaa sida ay isu maamuleen.

Maalin qaali ah oo buugga baal Dahaba ka gashay ayay noqotay waxaana laga helay shacbigan geesiga iyo gobnimada ku caanka noqday waa dad aan marnaba ilaawi karayn waddada ay u soo mareen oo adduunku aad ula socdo xog ogaalna ka yahay xaalkooda. Haddii aad dib imika u akhrido marka tan lagu daro taariikhda Somaliland waa qiso amakaag iyo fajac badan oo ninka akhriyaa ay la noqotay cajiib. taariikhdii lixdankii ka soo bilow ilaa iyo maanta oo aynaan wali wanaag badan ilaahay meel inoo dhigay. Waa markii saddexaad ee taariikhda ay inoo gashay wanaag iyo horu socod dhab ah ilaa saddex sano gudahooda.

Waa aftidii gooni isu taagga Somaliland dadkeeduna ku Codaeeyey "Muqaddas".

Waa doorashooyinkii dawladaha hoose degaanka maamulka xorta ah.

Waa doorashda madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Ilaahayna waa innagu gargaaray guul iyo nolol barwaaqo ku gaadha waa cawo iyo ayaan wax intaa inoo dheer inaan ilaahay ugu mahad naqno.Haddaba saddexda xisbi waxaa la gudboon in haddii natiijada lagu dhawaaqo aanay boodh nagu kicin oo hadal mahadin iyo bogaadin leh mooyee dhaliilo cadawgu ka faa'iidaysto ayna ka soo yeedhin marka laga guulaysto waa is gacan qaad iyo wada shaqayn wacan dimuqraadiyada haddii buugeeda aad ku dhaqmayso.waxaa hubaal ah inaad dawlad walba oo aan raadkooda raacaynaa sidaa u dhaqanto maanta adiguna ku dayo.

Waddamada reer galbeedka ayaa wax la qaybsan doonaa waa kuwa ictiraafka gacanta inoogu haya maanta. Somaliland ayaan ku faanayaa oo aan wax soo saar lahayn la iib geeyo xooluhuna ka xidhnaayeen in la dhoofiyo afar sannadood, dawlad macaawino siisa shisheeya iyo sokeeye midna jirin, warshado ay isku taagtaana u dhisnayn ayaa maanta suurto galisay wax kasta oo la lahaa ma suurto galayaan. Waxaa ay leeyihiin quwad aan cidna is hortaagi karayn oo ah quwadda iimaanka.

Haddii aan mid idin xasuusiyo maanta oo aan wali hore u soo marin taariikhda. Somaliland waa xisbiyadii oo dadkii u footaynayey ay Mabda'a ku raaceen intooda badani oo dadka qabiil wax ku rabaa ku yaraadeen waanay dhacday.waxaa loo kalajiidanayey dadka annagaa kuu hayna guul iyo horimarine na soo raaca oo arka halka aanu idiin wadno barri iyo ictiraafku halkuu yaal ayaan aqaane.Guryaha qaar baa loo qado imanayey afar qof oo isku guri ah oo u kala ololaynaya saddexda xisbi oo muran qadada lagu dhamaynayey. Waar halkaa ha inoo ahaato iyo car waa ninkeena badiya. Fikrado iyo arrimo kaleba waa lagu kala duwanaan karaa oo qofku xisbiga uu ayido ayuu raaci karaa, sannadihii ugu danbeeyey dalku maalinba maalinta ka danbaysa wuu ka sii fiicnaanayaa. Qof waliba maanta talidiisa wuu dhiiban karaa waxii horumar ahna Somaliland isaga ayey ka sugaysaa waxaad tahay AMBASSADOR u maqan dadkiisa iyo dalkiisa.

Baarlamaanka waddanka aad deggan tahay ayaad ka suuq gaynaysaa inay maanta aragtida adduunku ka haysatay Somaliland ay wax wayni iska bedeleen sidii aad u qancin lahayd waa mid meel kuu taala. Dadkii subaxaa foodka sida nabadda ah ugu footeeyey xilkoodii way guteen. Inaynu dhammaystirka samayno ayaa inaga inala gudboon oo ay inaga sugayaan maanta. Buug yar oo gaaban oo aad naftaada la kaashatay meel walba ka akhri oo u sheeg waxii aan maanta la socon taariikhda Somaliland ee quruxda badan.Bilwogiisu waa xorriyadii oo way macaanayd, waxaa ku xigay qadhaadh oo Somali ayaa damcay inuu ku gumaysto, waxay ku danbaysay macaan aan kala go'ayn.

Oo inaad filim kii adduunka ugu fiicnaa gashay ayay dadku u arkayaan. Waxaan ku soo xidhayaa hadalkaygii " Ceelna uma qodna Cid kalena uma Maqna". Xilkii waxgaradkeena la gudboonaa way guteen inta hadhayna rag baa u nool oo ay u taalaa, Cimi iyo lacagba ilaahay maanta dalkeena dad haystaa waa ka buuxaan iyadaa Carabta iyo Yurub ka wanaagsan. sidaad in yar oo horumarin ah ugu samayn lahayd  ayaa lagaaga baahan yahay. Warshado iyo Makiinado waxii aad keensan karto labadaba waa lagaaga baahan yahay. Sidii ninkii qabiilka ka leexday ee mabda'iisa ku footeeyey u keen warshad kii ka shaqayn lahaa uu yahay kii yaqaanay ee aanu noqon kii aad ilmaadeerka ahaydeen ee barrito marka aad is qabataan aan garta reerka kuula beegsan.Somaliland ha noolaato oo ha jirto waligeed. Guul iyo nolol barwaaqo Allaha raxmaanka ahi haku gaadhsiiyo xaakin wacan oo horseeda barwaaqo. Allaa mahad leh. Waxaa Qoray Maamulaha Hay'adda Maalgalinta iyo Horumarinta Somaliland. " KALKAAL". Cabdinasir Maxamed Cabdilleh " Walanwal".
 

Top


Ciidnay Oo Ka Daali Weynay.

Mudo dheer ayaa lagu hawlanaa oo lasugayay Doorashooyinka xalaasha ah Xanbaarsanna Macnaha weyn ee iftiinka u gudbinaya Umadda Reer Somaliland, Waxaa marka hore Alxamdulilaahi ah sida nabad galyada ah ee ay u dhaceen Doorashooyinkan taas oo u dhacday sidii la sugayay hadaba maanta oo ay umadda Reer Somaliland Farxad ballaadhan huwanyihiin meel walba oo ay joogaanba.

wakhtiyada is riixaya ayaa maantana inoo keenay in aynu doorano Madaxweyne ku yimaada codka shacabka guushaa ballaadhan iyo amaanteeda waxaa iska leh shacabka mustaqbalkooda Shookaanta u haya runtii doorashadani waxay muujisay sida dadku isula jaanqaadayaan oo ay isula talaabsanayaan wakhtiyada casirga ah ee lagu jirona ay u raadinayaan dimuqraadiyadii lagu gaadhay waxaad sugtaba mar baad heshaa guusheeda, hadalaadaasi waa hadalo ka soo yeedhay Gabadh Somaliland u dhalatay oo ila dagan Qurbaha hadalada gabadhaasi waxaa ka mid ahaa waxaan haystaa oo qarsoon Pasporkii Somaliland oon dooonayo in aan meel walba ku maro inshaallaahu, uqaadan waa bay igu noqotay Jornaalada (wargaysyada) Finland Maanta markaan ku arkay cinwaanadooda Doorashooyinka Somaliland iyo habsamida ay u dhacayso waxay soo qaateen taariikhdii Somaliland iyo marxaladaha kala duwan ee ay hadba ku sugnayd, waxaan ka maqnayn oo ay ku faraxsanaayeen in uu isu taagay Murashaxa madaxweynaha Nin haystay Dhalasho finish ah isla markaana uga tanaasulay si uu dalkiisa uga qaybgal doorashada, waxay ku soo qaateen gabogabo in 3 murashax ee u taagan jagadu ay ka simanyihiin gooni isu taaga Somaliland.

Runtii dadaal walba oo la raadiyo manaafacaadkiisa waa la helaa iligii yaraan kaaga dhacana mid ka fiican baa kuu soo baxa marhadii hab qabaail laga tagay oo loo gudbay hab dimuqraadi ictiraafkii waa daba socdaa taa hala ogaado, waxba runtii maanta qorinkarimaayo farxad daraadeed.

Sadexdan murashax iyo ku xigeenadoodu farxad iyo waxay u tahay caawa ninku halkuu hiigsado in uu gaadhaabuu jecelyahay se waxay kuwo waloo laga badiyaa ku samridoonaan shacabkooda dahabka ah ee taageeray samrintooda iyo guusha horumarka wadata ee Somaliland u gudubtay hadaba Ciidnay anagu qurbe jooge iyo gudo joogeba hadaan cabiro dareenka aan dareemi karo oo ahaa in aan ka jeclaan laha in aan codkayga dhiibto hadana waxaan ku samray Somalilanderkasta oo codbixiyey xagaygiina iiga codeeyey.


Gabo gabo iyo mahadnaq Dhamaan shacbiga Somaliland , Gudida Doorashooyinka, Asxaabta Qaranka, Ururuda Somaliland, Hayadaha madax banaan, Goobjoogayaashii, Ciidankii nabadgalyada u heeganka ahaa, Warbaahiyaayaasha u horeeyaan Haatuf, Jamhuuriya, Hadhwanaag iyo SNN, intaba xagayga mahadnaq. Guul iyo gobonimo alloow noo siyaaadi. Aamiin, Aamiin.

Cumar Cabdi Nuux, Calaydh2@hotmail.com, Helsinki, Finland.

Top


Miyaa La Ilaaway Tiyaatarka Hargeysa?

Tan iyo intii dalka la soo galay waxa aad u dunsanaa tiyaatarki Hargeysa, hadaba tiyaararka Hargeysa ceelna u ma qodna cidina uma maqna, tiyaararkii Hargeysa oo ahaa tiyaatarkii ay ku soo caan baxeen dhamaan fanaaniinta Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen, fanaaniinta imika qurbaha joogta hadii aynu soo noqono tiyaararkii hore ee Hargeysa marka aad aragto waad naxaysaa, diifta iyo burburka ka muuqda waxaa laga dhex sameeyey, suuqliyo geerashyo iyowax sumcadii iyo karaamadii tiyaatara.

Dhamtaalayi intaa ka dib waqtiyaadii hore waxaa mudnaan iyo qadarin la siin jiray fanaaniinta imika se aad bayi u dhibaataysan yihiin fanaaniintii waayo dhaqaale lama siinyoku filan ma haystaan meel ay riwaayado ama wixii ay u baahdaan ku qabsadaan hadaba fanaanimadii waxay noqotay wax aan cidiba xiisayn, imika waad ogtihiin fanaanimadu qiimaha ay leedahey ee ay ka leedahay, caalamka iyosida caalamka tooga fadar iyo fanaanka waxaa jirta in imika ay jiraan fanaaniin da yar oo u baahan in la gacan qabto oo la kaalmeeyo fanaaniintii hore imika way sii hawl qabayaan markaa waxaa haboon in la dhiiri galiyo oo loo dhiso meel ay riwaayadaha ku qabsadaan iyo wixii ay doonaan hadaba dawladu haku dadaasho sidi ay u dhisi lahayd tiyaararka oo yaanay ilaawin dawladu hadii ay dhibta dhaqaale ayaa ka soo gali lahaa tiyaararka intaa ka dib hayada kaliya ee imika la odhan karo waxay yara kaalmaysaa fanaaniinta wasaarada hidaha iyo dalxiiska hadii aynu u soo noqono tiyaatarka Hargeysa oo ahaa tiyaatar aad u qurux badan hadii aad imika aragto jidhiidhico ayaa ku qabanaysa, waxaa iyana aan xasuusan meeshii ay ku caan baxaan fanaaniinta waabari oo intii dhimatay mooyee ay intii kale dibada jiraan waxaa ku filnaan lahayd riwaayad ay qabtaan oo ay ku caawiyaan dhismaha tiyaatarka Hargeysa, waxaan u soo jeedinayaa dawlada iy shicibka in lagu dadaalo sidi loo dhisi lahaa tiyaatarka, ceelna uma qodna cidina uma maqna.

Siciid Axmed Ismaaciil (Ango),Hargeysa, Somaliland.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray : Cabdi Caara-Dhuub Q :23aad.

Xeerarka: Guud ahaan Somalidu ama gaar ahaan dadka reer Somaliland waxay leeyihiin xeerar dhaqan oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, arimahaas oo la xidhiidha mucaamilka nolosha hadii ay tahay marka ay dhibaatooyin dhexmaraan iyo hadii ay tahay marka ay arimo dhaqan dhexmaraan.

Xeerarka dhaqanka waxa wax ku hogaamiya ama dabakha hogaamiyayaasha dhaqanka, sida, Caaqilka, Suldaanka, garaadka, boqorka IWM iyo sidoo kale odayaasha beelaha hogaamiya ama u taliya.

Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan, kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku macaamilaan dhexdooda. Laakiin hadii aanay jirin cid dhigataa xeer iskama samaymo, waayo waa inay jirtaa cid mucaamil dhexmaray ama dhibaato kala gaadhay, ka dibna sidii ay arinta ama arimaha dhexmaray ugu kala baxaan ama u xalilaan ayay yidhaahdaan sidaas ayaa inoo xeer ah. Laakiin xeerka qabiilku dhexdiisa mar waa xanaan, marna waa la isku anshax mariyaa hadii uu qof reerka ka mid ahi qalad galo, iyadoo uu xeerku noqon karo xeersan ama xeer qalafsan oo aan xanaan lahayn, isla markaana qofkasta oo beesha ka mid ahi waxa uu xeerka ku leeyahay xuquuq iyo waajibaad , sida Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isna uu wax ka bixiyo, gaadiidka (Awrta) oo la kala gaadiid ceshado, Kaalo la isa siiyo IWM.

Xanaanku waxa weeye waxyaalaha la is taro, sida abaalgud, ina la isu baadi-celiyo, inaan dumarka la kala faraxumayn, isla markaana aan la isu dhaafin qofta dumar ah ee la qabo ama gabadha doonan, qofta dumar ah ee marka laga dhinto aan dumaasheedda ninka leh loo dhaafin oo aanu nin kale guursan, inaan la isku samayn waxyaalo meel ka dhac ah, sida dhirbaaxo, cay, xabbad la isku rido IWM., balse hadii ay waxyaalahaasi dhacaan oo aanay labada qolo ama labada dhinac ee ay kala gaadhay aanay markiiba dhamaysan ama la isaga dulqaaddan, waxa dhacaysa in marka qofka wax loo tirinayo la gole keeno ee wax lagu cadaysto waxa jira xeer ciqaabeed la mariyo qof, sida xaal lagu xukumo, iyadoo uu xaalku yahay xoolo qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo ama wixii uu trisanayey lagaga bogsiiyo. Waxa kale oo uu xaalku noqdaa gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.

Qof Jid leh: Waxa jira wax dadka iskaga darsama ama iskaga qaldama, taas oo ah garta iyo dawga, masalan waxa jirta odhaah tidhaahda “Waa gar, dawse ma aha”, sidaa darteed hadii aynu waxoogaa ka iftiimino waxa ay kala yihiin garta iyo dawgu waa sidan:

Waxyaalaha jidka ah waxa ka mid ah in qofka muduciga ah (Dhibanaha) marka loo garqaadayo wax kasta mudnaanta la siiyo sida: Maxaa laguu geystay, ma samraysaa iyo inuu hadalka ku horeeyo, oogista markhaatiga ku horeeyo, xiliga uu garta u diyaar yahay isaga (Muduciga) la hor waydiiyo IWM, sidaa awgeed waxyaalahan oo kale waa waxyaalaha uu qofku jidka u leeyahay.

Ta kale marka wax la isku qabsado qofka wax lagu qabsadaa oo masalan neef xoolo ah lagu qabsadaa waxa kula garnaqsan kara qof leh aniga ayuu neefkaasi ii dhashay oo askunkiisa lahaa mooyee aanu kugula agrnaqsan karin nin leh waxaas ama neefkaasi cid kale ayuu iga soo galay, sida kaalo ayaa la ii siiyey, yarrad baa la ii siiyey, muquunno ayaa la ii siiyey IWM, masalan waxaad maqlaysaa nin tulud geel ah iibsanaya ama dhul iibsanaya oo leh hashaa ama dhulkaa hadii la igu qabsado adigaa hadhow ii hadal tirayaa ma dhicinaya, markaa hadii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay jidku waxa weeye cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu gaynayaa.

Waxa kale oo jid ah inaad gartaada cid u igmato ama qarreen qabsato waa jid , inaad ambiil qaadataana waa jid, sidoo kale inaad maganta, maatada aad masuulka ka tahay ama qofka aan caqligiisu dhamayn inaad xaqooda baadi doontaa waa jid.

La soco cadadka dambe.

Top


JILBO-DHIIG, Qiso jacayl ah, waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed; waxaa tifaftiray A. Ducaale : 23aad.

Biixi iyo Saynab way aqal galeen, waxaana u dhacay aroos wanaagsan oo intii itaalkiis ah aad loogu mashraxaday, loogana tumay, isla markaana maalinimadii casuumad iyo qadooyin wanaagsan lagu sameeyey, laakiin cuntadii la sameeyey waxa ku jiray cubto badeed, taas oo ay dhalinyarada arooska ka soo qayb gashay qaarkood, gaar ahaan wiil ay Biixi ay saaxiib ahaayeen xiisaynayeen cuntada badda, sidaa darteed xabbad kaluun ah ayaa meesha lagu qalay, laakiin arinta yaabka leh ee dhacday waxay noqotay markii kaluunkaa calooshiisa laga helay fargalkii Biixi kaga lumay badda dhexdeeda, taasina waxay noqotay arin yaab ku noqday dadkii arooska ka soo qayb galay oo dhan, ka dibna Biixi fargalkii waxa uu dib u yara xusuusiyey jacaylkii Xayaad iyo waayo-waayo. Laakiin aad uguma mashquulin ee waxa uu iskaga mashquulay hawlihii arooskiisa, wuuna arooos ka baxay, wuxuuna noqday meel yaal, isaga oo galay nolol cusub, ka baxay noloshii iskaabulada ahayd.

Gabadhii Xayaad waxa ku raagay walaac iyo bugto badan oo nafsaaniya, waxayna taasi nafteeda u gaysatay diif iyo darxumo badan, wejigeedii labeenta lahaa ayaa madoobaaday oo noqday mid ay ishu ka soo boodayso, halka berigii hore isha lala sii raaci jiray dhalaalka wejigeeda, laakiin waxay qaxootinimo ku gashay dalka Ingiriiska, iyadoo aanu qofkii hore u yiqiinay garanayn oo suuradeedu is bedeshay.

Xayaad waxay u ekaatay qof uu nabsi jaajaan-may oo uu bustaha dul-dhigtay, iyada lafteeduna uma dareen la’ inuu nabsi hayo, isla markaana ay meesha laga raacay tahay Biixi iyo sidii ay ula dhaqantay. Biixi waxay gabadhii Saynab dalka Yamen ugu dhashay wiil, wuxuuna u bixiyey Deeq, waayo wuu deeqay, wuxuuna dareenkiisa ka masaxay qulub iyo werwer naftiisa diif ku reebay, laakiin markii ay muddo ku liibaaneen halkaa waxay reer Biixi galay hindise dhoof, waxayna qal-qaalo u galeen sidii ay Ingiriiska u geli lahaayeen, taasina way u suurta gashay, dabadeedna markii ay hawhii dhoofku u soo dhamaatay ee ay diyaar garoobeen ayey Biixi iyo xaaskiisii Saynab waxay sameeyeen xaflad la xidhiidha ambabaxooda, taas oo ay ka soo qayb galeen asxaabtoodii, waxayna xafladaasi noqotay munaasabad balaadhan oo la isku arkay, isla markaana shacni iyo farxad badani ka muuqatay, habeenkaasina waxa uu noqday habeenkii isa sagootiska reer Biixi iyo asxaabtooda, balse subaxnimadii ayey Biixi, xaaskiisii Saynab iyo wiilkoodii yaraa ee Deeq ka duuleen madaarka diyaaradaha ee magaalada Sanca, waxayna tageen magaalada London ee dalka Ingiriiska, laakiin Biixi hadii uu dalka Ingiriiska cagaha dhigo waxa uu filayey isbedel ku samayn doono noloshiisa, isla markaana waayo-aragnimada uu u lahaa nolosha adag ayaa u saamaxaysay inuu degi karo dal shisheeye.

Biixi xaaskiisa Saynab waxay runtii noqotay qof wax garad ah, sidoo kale waxay noqotay marwo aanu kartideeda iyo maamulkeeda dumarnimona aanu wax saluug ah ka dareemin, sidoo kale Xayaad lafteedu raalinimo iyo kalsooni badan ayey ku qabtay saygeeda.

Reer Biixi waxa lagu qaabilay qaxootinimo, sidaa darteed inkasta oo aanay weli si fiican ula qabsan xaaladda nolosha qurbaha, hadana meel ayey degeen, xaaladooduna way iska caadi. Laakiin markii ay muddo joogeen ayuu Biixi shaqo raadis bilaabay, wuxuuna aakhirkii helay shaqo waxoogaa mushahar ah leh, ka dibna reer Biixi way la qabsadeen noloshii qurbaha.

Xayaad magaalada London ayey dhinaca kale kaga jirtaa oo qay qaxooti ku tahay. Waxa kale oo magaalada London jooga nin la yidhaahdo Axmed oo ay Biixi macruuf ahaayeen, isla markaana Axmed waxay ilmaabti yihiin Xayaad, waqtigaana Xayaad iyo Axmed isku guri ayey ku jiraan.

Sidaa awgeed Biixi iyo Axmed maadaama ay horena isu yiqiineen, iminkana isugu yimaadeen meel qurbe ah macruufadoodii way sii korodhay, isla markaana Axmed laftiisu meel yar ayuu ka shaqayn jiray, sidaa awgeed Biixi iyo Axmed maalmaha ay shaqada fasaxa ka yihiin ayey is raaci jireen oo ay magaalada u tamashla tegi jireen, laakiin Axmed mar qudha Biixi uma sheegin inay Xayaad magaalada joogto, balse maalintii dambe ayey Biixi iyo Axmed oo wada socdaa soo galeen gurigii ay Xayaad wax ka deganayd, waxaana guriga ku soo dhoweeyey hablo kale oo ay xayaad saaxiib iyo ehel-ba ahaayeen gurigana la deganaa, dabadeedna meel si fiican loo goglay ayaa la fadhiisiyey, halkaas oo ay badhida dhigeen, laakiin Xayaad inkasta oo aanay gabdhaha shaqaynaya ka mid ahayn oo shaqada laga nasiyey, hadana goor dambe ayey raggii meesha fadhiyey il-qoodha ka eegtay, ka dibna waxay isha ku qacsiisay wiilkii Biixi oo meesha fadhiya, dabadeedna gabadhii Xayaad markii ay si fiican uga il-sugatay inuu Biixi yahay ayey xusuustu horkeentay waayo-waayo iyo wixii ay isla soo mareen iyada iyo Biixi, taasina waxay noqotay xusuus dareenkeeda si weyn u damaqday, sidaa darteedna ilmo buur-buurran ayaa indhaheeda ka soo dareertay, balse maradeeda ayey kolba isku masaxdaa.

Xayaad waxay xusuusatay sidii uu Biixi maalmo badan ugu dul-meehanaabay iyo sidii ay jacaylkii uu la madluubay albaabada ugu xidhay, sidoo kale waxa xusuusteeda ku soo dhacay sidii uu ugu han weynaa iyo sidii ay uga mashiiqsatay ee isaga han weynaysiisay, una shuqayaraysatay weedhihiisii deb-debecsanaa.

Xayaad waxa maalintaa ku kacay ladh nafsadeeda si weyn u damqay, waxaanay ilowsanayn sidii ay Biixi ugaga masuugtay baahidii jacayl ee ula yimi iyo sidii ay xeedho iyo fandhaal uga kala tuurtay markii uu intii itaalkiisa ah u soo xamaam urursaday inuu aroosto, balse ay tidhi “Maanigaa noocaagaa nin mooda” ee ay dhabarka u sii jeedisay, inyarna u jidh nixi wayday.

Biixi markii uu cabaar fadhiyey ayey markii dambe isaga iyo dhawr wiil oo kale kaakaceen, iyaga oo doonaya inay baxaan.

La soco cadadka dambe. 

Top