Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 367 July 2, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Mudanayaashu Afarta Wasiir Shaqadoodii Kama Ay Qabsan.

Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Maamuusayay 26ka June Oo Ka Dhacay Magaalada London, "Yaa aakhii dawladdo Soomaali ah noo badan-haayo, mar Jabuuti tag, mar Hargeysa tag, mar Xamar tag, arrin fiican waaye,” Aw Koombe.

Tabobar Waxbarasho Oo Lagu Soo Gebogebeeyay Boorama.

Orodyahano Reer Berbera Ah Oo Ku Guulaystay Kaalmo Munaasibadii 26-Ka June.

Hambalyo Meher.

Hambalyo Aroos.

Halkay Ku Gudhay Kulamadii Madaxda Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB
Ma Dhab-baa Xubno KULMIYE Ah Baa Hunguri Ka Hayaa Inay Xukuumadda Galaan Iyo Inay UDUB U Aamustay Qoladii KULMIYE.

Muran Ka Aloosmay Guddi-Hoosaad Ay Samaysteen Deegaanka Tog-Wajaale.

Ahmiyadda Uu Maraykanka U Leeyahay Saldhigga Djibouti, $100 Malyuun Oo Maraykanku Kaalmo Ku Siinayo Dekedaha Africa.

Sidee 1da July Looga Xusay Koonfurta Somaliya?

Maleesiya oo furtay.

Hillary Clinton Oo Ka Warantay Gogol-Dhaafkii Odaygeeda: “Go’aankii ugu adkaa nolosheyda waa ag joogistiisa!”

Guul Malaga Gaadhay Ladagaalanka Argagixisada?

Ciidamada Isra’il Oo Laayay Dad Falastiiniyiin Ah.

4 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaala Ciraaq.

Jack Straw Oo Booqday Magaalada Khandahaar.

ODHAAHDA AKRISTAHA: Hay'adaha dalka Jooga iyo Tuugada Badheedhka ah.

Maxay Wakiiladu U Celiyeen Afarta Wasiir?

Dulmigu Waa Astaanta Koowaad ee Caddaalad Darrada.

Warqad Furan.


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Mudanayaashu Afarta Wasiir Shaqadoodii Kama Ay Qabsan.

Maalintii Sabtidii 28-kii June ayaa golaha wakiilada waxa la horgeeyay afar wasiir oo ka tirsan golaha xukuumadda Madaxweyne Rayaale dhowaan magacabay si ay u ansixiyaan “Confirmation”, kaasoo goluhu dood gaaban ka yeeshay laba ra’yi oo kala ahaa: in la gudo-galo qaabkii lagu ansixin lahaa ama lagu diidi lahaa. Iyo in afarta wasiir dib loogu celiyo Madaxweyne Rayaale, iyadoo laga dalbanayo inuu golihiisa wasiirada ee cusub soo dhamaystiro oo mar qudha horkeeno Baarlamaanka. Labadaa arrimood oo cod degdega loo qaaday wuxuu goluhu aqlabiyad ku oggolaaday in afarta wasiir duduub loogu celiyo Madaxweyne Rayaale.
Haddaba waxay dad badani isweydiinayaan mudanayaasha golaha Wakiiladu xaq ma u lahaayeen inay farageliyaan magaabista wasiirada mise waxay xaq u lahaayeen inay afarta wasiir su’aalo weydiiyaan kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan. Sida dad badani ay qabaan ma jiro qodob ama xeer khasbaya inuu madaxweynuhu mar qudha xukuumaddiisa oo dhan wada horkeeno golaha wakiilada, sidoo kale ma jiro xeer golaha wakiilada faraya xukuumad dhammaystiran mooyaane inaanay afar wasiir ansixin.

Mudanayaasha golaha wakiilada gar kuma helayaan dib-u-celinta wasiirada ay sabab uga dhigeen inuu Madaxweyne Rayaale soo dhammaystiro wasiiradiisa. Waxa keliya ee u banaan mudanayaasha golaha wakiilada in afarta wasiir ee la horkeenay ay mid-mid u qiimeeyaan si loo ogaado kartida wax-qabadkooda, aqoontooda iyo qorshahooda waxqabad ee ay doonayaan inay umadda wax ugu qabtaan, taasoo muujinaysa in mudanayaashu baal-mareen shaqadii ay ahayd inay wasiirada ka qabsadaan oo isku mashquuliyeen cidda ka mid noqonaysa golaha wasiirada iyo cidda aan ka mid noqonayn, taasoo ah hawl madaxweynaha u qabyo ah.

Sidoo kale, goluhu maxay ka ogyihiin tirada Madaxweyne Rayaale ugu talogalay golihiisa wasiirada inta ay noqonayaan, ma dhici kartaa in dawladdiisu ay dhantahay toddobadii wasiir ee uu magacaabay, mise mudanayaashu waxay qiyaasteen in la samaynayo golihii wasiirada ee xalka ahaa iyo wasiiradii beelaha lagu raaligelin jiray oo mudanayaasha laftoodu kaambayn ugu jiraan.

Si kasta ha ahatee Madaxweyne Rayaale waxa la gudboon in isaga laftiisu uu golaha wakiilada hortago isla markaana hordhigo qorshe cad oo ah tirada xukuumadda, nooca ay tahay iyo inuu sharrax ka bixiyo siyaasada guud ee uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo wakhtiga dhow iyo ka durugsan.

Qorshahaas oo ay ahayd mid xilli hore inuu umadda u soo bandhigo, waxaase muuqda inaan wax qorshe ah u degsanayn xukuuumadda, iyadoo arrintaa ay marag u tahay caajiska iyo rafaadka ku dhacay dhammaystirka dhismaha xukuumadda cusub, taasoo Madaxweyne Rayaale bulshadu ay uga fadhido inuu la yimaado hankii iyo hawlkarnimadii uu ku hungureeyay hogaaminta dalka iyo kursiga ugu sareeya ee ka jira kaas oo uu isagu maanta ku fadhiyo.
 

Top


Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Maamuusayay 26ka June Oo Ka Dhacay Magaalada London, "Yaa aakhii dawladdo Soomaali ah noo badan-haayo, mar Jabuuti tag, mar Hargeysa tag, mar Xamar tag, arrin fiican waaye,” Aw Koombe.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada London C/risaaq yare, waxa halkaa lagu soo bandhigay tartan kubadda cagta ah oo ay ka soo qayb-galeen dhawr kooxood oo ay ka mid ahaayeen, Togdheer F.C, Hilaac F.C, Alhijra F.C. iyo Oomar F.C. waxaana xafladaa ka soo qayb-galay marti-sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen fanaankii caanka ahaa ee Cabdiraxmaan Aw Koombe, Jamaal Xassan oo ka yimid Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, Guuled Cabdi oo ka socday ururka SDWO (Somaliland Democracy Watch) iyo gudoomiyaha ururka Somaliland Youth & Sports Mr Xassan Maxamed Waraaabe-cade oo ahaa qabanqaabiyaha xafladdaas.

Tartanka kooxahan kubadda cagta oo ku bilowday ciyaaro aad u xamaasad badan oo ay ku kula hadhayeen (nock -out) in qoladii laga badiyaa ay ka baxdo tartanka, iyadoo aad halkaas ku arkaysay niyada dhallintu ay u haysay maalintaas qiimaha weyn ugu fadhida Somaliland.

Dhallintaasi, waxa ay soo bandhigeen farsamo iyo xeelad ciyaareed aad u heersaraysay. Waxay natiijadii ciyaarahaasi u dhacay sidan:

Tartankii dhalinyarada da’doodu aadka u yaryarayd (Junior) natiijadoodii waxay kala ahayd
Naadiga Hilaac 2-1 Naadiga H. S. C. C. A
Yaryarka Malcaamada 1-0 H. S. C. C. A.
Naadiga Hilaac 2-1 Yaryarka Malcaamada
Halkaasna Naadiga Hilaac ayaa ku hantiyey koobkii yaryarka ee xaflada munaasibada 26ka Juun ee sanadkan 2003.
Tartankii kooxaha waaweyna waxay natiijadoodii kala ahayd:
Al-Hijar 0-3 Togdheer
Oomar 3- 1 Hilaac

Ciyaartii Faynalkana waxa wada ciyaaray naadiyada Oomar iyo Togdheer oo ay guushii koobkii weynaa ee munaasibada 26ka Juun ay ku raacday naadiga Oomar oo 1-0 kaga adkaaday naadiga Togdheer.

Hadaba intaan koobkaas la gudoonsiin waxa halkaa hadal kooban dhalinyarada ugu soo jeediyey gudoomiyaha ururka Somaliland Youth & Sports, Mr Xassan Waraabacade, oo ahaa masuulkii xafladan soo qabanqaabiyey, Xassan wuxuu ku nuuxnuuxsaday qiimaha maalinta 26ka Juun iyo in dhalinyarada lagu guubaabiyo qiimaha gaarka ah ee ay maalintan u leedahay shacabka Somaliland. Waxa kale oo halkaas majaajilo ku soo bandhigay fanaanka Aw Koombe, taas oo ahayd markii ugu horeysay ee dhalinyaradaasi intooda badani aragtay fanaankaas majaajiliistaha ah, isagoo la weydiiyay su’aal ah maxaad ka qabtaa Somaliland way idinka go’daye, waxa uu Aw Koombe ku jawaabay, “Yaa aakhii dawladdo Soomaali ah noo badan-haayo (Noo badanaya), mar Jabuuti tag, mar Hargeysa tag mar Xamar tag, arrin fiican waaye.”

Guntii iyo gebagebadii, Jamaal Xasan iyo C/raxmaan Aw Koombe ayaa koobkii 26ka June 2003 ku gudoonsiiyay kooxda Oamar F.C. iyo Kooxda Hilaac ee yaryarka ah, waxaanay ugu danbayntii dhalinyaradu u mahad celiyeen qabanqaabiyayaasha oo ay ka codsadeen in ay u qabtaan tartamo noocan oo kale ah, waxaanugudoomiyaha Somaliland Youth & Sports uu ku balanqaaday in xaflado noocan oo kale ah ay soo qabanqaabin doonaan maalmaha xuska 18ka May iyo 26ka June ee sanadka 2004, haddii Allaha awooda lihi ogolaado.

Top


Tabobar Waxbarasho Oo Lagu Soo Gebogebeeyay Boorama.

Boorama, (Haatuf): Wasiirka waxbarashada Mud.Cissmaan Xasaan Mire ayaa shalay magaalada Boorama tababar ugu xidhay in ka badan 220 macallin oo wax ka dhiga Dugsiyada Hoose ee Somaliland, kana kala socday Gobollada Hargeisa, Awdal iyo Togdheer.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Tababarkan oo ah kii ugu dambeeyey ee noociisa ah, waxa ay macalimiintu ku baranayeen manhajka Cusub ee Dugsiyada Hoose ee Somaliland, iyada oo uu tababarkani socday muddo 18 casho ah.

Hadal uu wasiirka waxbarashadu ka jeediyey ka qayb galayaasha gunaanadkii tababarkan, waxa uu ugu horreyn ammaan u jeediyey ciddii kala soo soo shaqaysay in tababarkani ku dhammaado sidii loogu talo galay, isagoo macallimmiinta soo dhammaysatyna ku boorriyey inay goobaha waxbarasho ka muujiyaan.

Wasiirka oo ka hadlayey waxa macallimiintan laga doonayo oo kale waxa uu yidhi, "Dalkeenna waad ogtihiin halka uu marayo, sidaa darteed waxa la doonayaa inaad ubadkeenna ku abuurtaan shucuur waddanimo."

Wasiirka oo ka hadlayey qorshaha waxbarasho iyo dugsiyada ardaydu xaddi-dhaaftay, qaarna madhanyihiin waxa uu yidhi."Reer waliba wuxu doonayaa in dugsi loo dhiso iyagoon arday lahayn, waxaana taa ku dhiirri geliya NGO-yada, iyagu dantooda mooyee aan ka fikirin halkee ku habboon''.

Waxa kale oo iyaguna munaasbaddan ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Mr. Cabdiraxmaan maxamed Maal Guddoomiyaha Gobolka awdal Maxamud sh.Cabdilaahi, Duqa Boorama Caaabdiraxmaan Sh. Cumar iyagoo dhaammaantood ka hadlay dadaalkii loo soo maray tababarkan iyo sida Boorama u heshay fursad ah in tababarro noocan kale ah lagu qabto. Waxayna madaxdaasi ka qaybgeleyaasha u sheegeen sida dalku ugu baahanyahay in loo dhiso ubad mustaqbalka dalkan hanan kara, iyaga oo xusay in la kordhiyo dugsiyada farsamada gacanta Wasiirka ka hor waxa iyaguna khudbado ka hadlaya sida ay socotay waxbarashadaasi macallimiintu, dadaalka macallimiinta wax baraysay iyo kuwa wax la barayeyba, iyo cidda gacanta ka geysatayba halkaa ka jeediyey Isuduwahaa wasaaradda waxbarashada ee Gobolka Awdal Aadan Nuur Meecaad, oo si gaar ah ugu mahad celiyey Haya'adda UNICEF oo uu ku tilmaamay inay maanta noqotay hay'adaha laf-dhabarta u ah waxbarashada.

Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadhashay madaxa Ha'addaasi UNICEF u qaabilsan Somaliland, iyadoo ka hadashay sida hay'adda UNICEF madaxdeedu ugu dedaalaan waxbarashada Somaliland, wixii tabartooda ahna anay ka hagraan doonin.

Top


Orodyahano Reer Berbera Ah Oo Ku Guulaystay Kaalmo Munaasibadii 26-Ka June.

Orodyahanada oo ka socday magaalada berbera oo uu maal geliyey ururka ciyaaraha fudud ee loo yaqaan “S.L.A” Somaliland Athletic Federation, ee magaalada Berbera, munaasibadan oo ahayd mid lagu xusayey maalinta 26-ka June, ayaa waxaa la qabtay orodo noocyo kala duwan leh, kuwaas oo ka koobnaa 800m, 1500m iyo waliba jawaan ku boodka.

Orodyahanada oo ka qaybgalay 800m, iyo weliba 1500m ayaa waxay guulo laxaad ka soo hooyeen oradadaas.

Ka dib markii orodyahanka da’da yar ee caanka ka ah gobolka Saaxil Maxamed Axmed Cismaan (Max’ed Case), oo iskoor cusub ku orday kaalinta labaad, orodyahankan oo ah mid tayo badan marka la eego da’diisa, isaga oo ah 15 jir, ayaa wuxuu u muuqdaa mid mustaqbal fiican ku yeelan doona tartanka orodada, isaga oo kal hore orodada dhaadheera oo 10-ka KM ahaa uu kaalinta labaad kaga guulaystay. Waxa kale oo oradadii 26-ka June 1500m, kaalinta afraad ku guulaystay (Faacuul), oo isna caan ku ah oradada.

Haddaba gudoomiyaha ururka SLAF Saleebaan Marduuf ayaa wuxuu la xidhiidhay jaaliyadaha Somaliland ee degan dalalka Imaaraadka gaar ahaan Qadar, isaga oo ka codsaday in ay orodyahanada inay orodyahanada gobolka Saaxil, inay ku daraan orodada dalkaasi Qadar, ka dhici doona, waanay ka aqbaleen, inay xagaaga dhamaadkiisa ay qaadaan 3 (Saddex) orodyahan oo orda 800m iyo 10km.

Waxaa kale oo ururka SLAF uu ku dedaalayaa inay tartamo orodada ah oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu qaban doono orodyahanka caanka ee Gabreil Xeyla Salaasa, halkaas oo dhalinyaro reer Itoobiya gaar ahaan kililka 5aad ay u sheegeen guddida inay si wanaagsan u soo dhaweyn doonaan.

Haddaba ururka SLAF oo ah mid dhiiri-geliya ciyaaraha gaar ahaan ciyaaraha fudud, isaga oo wax caawimo ah ka helin maamulka Berbera ayuu haddana iskii isugu xilqaamay, kharashka iyo agabka ciyaaraha fudud inuu intii tamartiisa ah iskala kacaa kufo.

Saleebaan Marduuf
Berbera

Top


Hambalyo Meher.

Axmed Yuusuf Xandule, Khadar Xasan Jaamac, Ibraahim Axmed Ibraahim, Cabdi Xasan Xuseen, C/Kariim Faarax Axmed, Cumar Shucayb Maxamed Iyo Xaaskiisa, Ismaaciil Jaamac Rooble,, Jaamac Cismaan Xirsi, Cali Maxamed Cali Iyo Xaaskiisa, Aadan Maxamuud Cali Iyo Xaaskiisa, Dhamaan Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Jibril Maxamuud Cali Iyo Cabiir Xasan C/Laahi Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 03/06./03, Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inay Noqdaan Kuwii Isku Waara Ubad Kheyr Qabana Kala Hela, Arooskoodana Farxad Ku Gaadha. Aamiin.

Top


Hambalyo Aroos.

Hooyo Dhudi Jaamac Faarax Iyo Odaygeeda, Ismahaan Maxamed Cabdi Iyo Ninkeeda, Farduus C/Laahi Cabdi Iyo Ninkeeda, Ayeeyo Caasha Saleebaan Faarax, Maxamed Ismaaciil Diiriye, Cali Aar Cabdi, Yaasii Aar Cabdi, Daa’uud C/Laahi Cabdi, Cabdi C/Laahi Cabdi, Cawil Maxamed Cadi, Dooli Maxamed Cabdi, Saleebaan Aadan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Cali Warsame Axmed, Shamis Yuusuf Maxamed Dhamaan Reer C/Jabaar, Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Iyaga Oo Kala Jooga Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisaba Arooska Mahad Maxamuud Cabdi Iyo Marwo Siciido Maxamuud Ismaaciil Oo Aqal Galkoodu Ka Dhacay Dalka Maraykanka Gaar Ahaan Gobolka Colafornia, 27/06/2003, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara. Aamiin.

Top


Halkay Ku Gudhay Kulamadii Madaxda Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB
Ma Dhab-baa Xubno KULMIYE Ah Baa Hunguri Ka Hayaa Inay Xukuumadda Galaan Iyo Inay UDUB U Aamustay Qoladii KULMIYE.

Hargeysa (Haatuf): Tan iyo markii xisbiga mucaaradka ah KULMIYE ku dhawaaqay inuu aqoonsaday natiijadii doorashada ee badhtamihii bishii June, taas oo masuuliyiinta xisbiga UDUB-na soo dhaweeyeen go’aankaa sheegeena in waxa xaajood u furmo, ayaa inta laga war hayo masuuliyiinta labada xisbiga Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Daahir Rayaale ay tiraba laba goor hagaag isku hor-fadhiisteen, kulamadaa waxa wara oo faahfaahsan lagama soo saarin, iyada oo lagu koobay in arrimo danaha qarankka oo keliya laga wada tashanayey, blasé warar aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa tibaaxaya in kulankii u dambeeyey ee labada gudoomiye Daahir Rayaale iyo Axmed Maxamed Siilaanyo ay yeesheen uu xisbiga KULMIYE soo jeediyey arrimo doora iyo tabashooyin xisbigu tirsanayo, qodobada xisbigu KULMIYE u soo jeediyey oo ay ka mid yihiin In Doorashadii baarlamaanka la soo dedejiyo.

Wax ka qabashada muranka deegaamada bariga Somaliland.

Hagaajinta xidhiidhka wadamada jaarka, siiba Itoobiya.

Sidii siyaasad midaysan looga yeelan lahaa shirka kooxaha Soomaalida uga socda Mbagathi.

In Garsoor dhex ah loo sameeyo doorashada baarlamaanka, iyada oo waayo-aragnimadii doorashooyinkii hore laga faa’iidaysanayo.

In Axsaabta siyaasadu ay si siman dhaqaale u wada helaan.

In la sii daayo maxaabiista siyaasadda u xidhan ee taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Qodobadaa xisbiga KULMIYE soo gudbiyey ayaa markii madaxweyne Rayaale loo soo jeediyey siday wara u dhuun daloolaa sheegayaan ayaanu madaxweynuhu wax jawaab ah ka bixin, kaas oo sheegay in aanu imika go’aan ka gaadhayn, balse uu la tashi ugula noqonayo xukuumadiisa iyo xisbigiisa, marka laga reebo qodobka sidii siyaasad midaysan looga yeelan lahaa shirka kooxaha Soomaaliya uga socda dalka Kenay, taas oo isla kulankii la isla gartay in la sameeyo gudi wada jir ah oo siyaasad midaysan ka gaadha shirkaa kooxaha Soomaalida uga socda Kenya.

Qodobada kale ee madaxweyne Rayaale sheegay in uu dib ugula noqonayo, lama sheegin xili loo balamay oo uu jawaab cad ka soo saarayo, markuu la tashado golihiisa xukuumadda.

Waxayna ilahaas u dhuun daloolaa, intaa ku darayaan in arrintaasi dhinaca xukuumadda ku caaistay oo ilaa hadda wax jawaab ah ka soo noqon.

Kulamadaa ay hogaamiyayaashu wada yeesheen la sheegay inuu jawi hufan oo is-faham leh u dhacay, lama sheegin wax ismaan dhaafa, oo labada hogaamiye isku seegan yihiin, iyada oo madaxweyene Rayaale u garaabay qodobadii xisbiga KULMIYE u soo jeediyeen.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in madaxda xisbiga KULMIYE, uu jiro fikir ay ku kala duwan yihiin, fikirka oo dhawaanahan soo baxbaxayey, kaas oo sheegaya in qaar ka mid ah xisbiga KULMIYE, mawqifkoodu yahay in dhismaha xisbiga la sii xoogeeyo, ka hor inta aanay dhicin doorashooyinka baarlamaanku, ayna noqdaan xisbi mucaarad ah oo aan ka qayb gelin dhismaha xukuumadda, halka la sheegay in tiro yar oo xisbiga ka mid ahi ay doonayaan in xisbiga KULMIYE uu wax ka helo golaha wasiiradda ee Madaxweyne Rayaale soo dhisayo.

Fikradahaas oo la sheegay inaanay wax kala qaybsanaan ah oo weyn ku keenin xisbiga dhexdiisa, isla markaana u socdo wada xaajood, ay iska qancinayaan, kaas oo guud ahaana xisbigu jawaab ka dhawrayo xukuumadda.

Top


Muran Ka Aloosmay Guddi-Hoosaad Ay Samaysteen Deegaanka Tog-Wajaale.

Tog-Wajaale (Haatuf): Magaalada Tog-wajaale oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Degmada Gabiley waxa dhawaan laga sameeyey guddi ka kooban 7-ba xubnood oo ay soo samaysteen dadka reer Tog-wajaale, kuwaas oo samayntooda iyo ansixintooda leeyihiin golaha deegaanka ee Gabiley.

Guddidan oo hore loo magacaabay ka dib markii ay soo samaysteen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, isla markaana uu gudoomiyihii hore ee golaha deegaanka Gabiley iyo xubnaha kaleba ay xog-ogaal u ahaayeen waxa ka dhashay muran ka dib markii ay cabasho ka timid dhinac ka mid ah deegaankaasi, kuwaas oo ku andacoonaya in aanay guddidaa hore u dhamayn dadka deegaanku.

Hase yeeshee, dhawaan markii uu gudoomiyaha cusub ee degmada gabiley uu booqday magaaladaa, waxay dadka deegaanka qaar ka mid ahi uga cawdeen arrintan, iyaga oo sheegaya inaan loo dhamayn guddidaa hore, isla markaana wuxuu u sheegay in loo baahanyahay in la soo samaytaan guddi cusub ama ay tii hore isla ogolaadaan.

Guddidan samayntooda ayaa waxay magaalada Tog-wajaale ka abuurtay muran ka dhex taagan dhinacyada ay khusayso, kaas oo saamayn ku yeeshay mudanayaasha golaha deegaanka ee Gabiley iyo dadka reer Tog-wajaale, laakiin sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley Maxamed Xasan oo dhawaan socdaal ku tagay Tog-wajaale, waxa arrintan ka hadlay wasaarada arrimaha gudaha oo qoraal ay u dirtay duqa degmada Gabiley, isla markaana ogeysiisay waxgaradka Tog-Wajaale, gudoomiyaha Gobolka Hargeysa iyo wasiirka arrimaha gudaha, warqadaas oo uu ku saxeexanyahay agaasimaha guud ee wasaaradaa C/Raxmaan Maxamed Cajab, waxay wasaarada arrimaha guduhu ku sheegtay in waxgaradka magaalada Tog-Wajaale ay u soo gudbiyeen guddi hoosaad ay iska dhex doorteen, kuwaas oo ay ku jiraan gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka magaalada Tog-Wajaale.

Waxaana warqada wasaarada lagu xusay inay arrintani waafaqsantahay xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka qodobkiisa 33aad, oo qoraya xubnaha guddida tuulada waxa soo jeedinaya odayaasha iyo waxgaradka magaaladaasi, waxaana ogolaanaya golaha deegaanka oo ansixinta magacaabista iska leh.

Laakiin waxay qoraalkaa wasaaraddu ku xustay inaanay jiri doonin laba guddi oo kala ah guddi tuulo iyo guddi magaalo, balse ay yihiin mid kaliya, xubnahaasina ay yihiin xubin sharaf oo aanay ahayn shaqaale joogto ah, kuwaas oo ay gunayntoodana ay iska leeyihiin golaha deegaanka oo ka soo saari doona xeer hoosaad.

Waxa kale oo ay wasaaraddu ku sheegtay qoraalkeeda inay iyada oo ilaalinaysa ku dhaqanka shuruucda, dhawrsana waajibaadka u gaarka ah golaha deegaanka u soo gudbini go’aankii waxgaradka magaalada Tog-Wajaale, oo ay iyagu leeyihiin dhamaystirka, ansixintooda iyo xumadiisa.

Dhinaca kale waxa arrintan ka hadlay C/Raxmaan Cumar oo ka mid xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gabiley wuxuuna sheegay in guddigan todobada xubnood ah ay soo doorteen odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Tog-wajaale, isla markaana ay isaga iyo C/Raxmaan Maxamed Aw Yuusuf oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Gabiley ee laga soo doortay deegaanka Tog-Wajaale goob joog ka ahaayeen, wuxuuna intaa ku daray in wasaaradda arrimaha guduhu ku soo ogolaatay qoraal, guddidana loo keenay, kaas oo lagu soo jeediyey fadhi golaha deegaanka gabiley yeesheen.

Laakiin qoraalka wasaaradda waxa ee ku taariikhaysnaa 09. June, waxa lagu sheegay inay u taalo dadka deegaanka inay iyagu samaystaan guddi hoosaad, kaas oo ay soo jeedinayaan odayaasha iyo waxgaradka magaaladaasi, isla markaana ay ogolaanayaan golaha deegaanka oo ansixinta iyo magacaabista iska leh.

Sidaa awgeed waxa muuqda muran ku saabsan guddida tuulada, waxayna arrintan dadka reer Tog-Wajaale qaarkood u arkaan inay keeni karto isku dhac bulshada dhexdeeda ah, iyada oo uu wakhtigan jiro kaambayn cida xubno ka noqonaysa guddida tuuladaas.

Top


Ahmiyadda Uu Maraykanka U Leeyahay Saldhigga Djibouti, $100 Malyuun Oo Maraykanku Kaalmo Ku Siinayo Dekedaha Africa.

Djibouti (Haatuf): Saldhigga miletari ee ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Djibouti ayaa lagu tilmaamay saldhigga ugu muhiimsan ee ay Maraykanku u yagleeleen ladagaalanka waxa loogu yeedho Argagixisada. Sida ay sheegayaan wararka arrintaa la xidhiidhaa, ciidamada Maraykanka ee ku sugan Djibouti ayaa lagu qiyaasay 1500 oo askari, iyadoo uu dakhli dhinaca dhaqaalaha ah oo weyni kasoo galo Dawladda Djibouti marka loo eego miisaaniyadda uu dalka Maraykanku ugu talogalay ladagaalanka argagixisada, taasoo uu qaddarkeedu dhan yahay boqol malyuun oo dollar, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Bush, dhaqaalahaas oo loogu talogalay in lagu caawiyo Dekedaha iyo madaarada muhiimka ah ee Afrika sannadkan, gaar ahaan kuwooda gacanta ka geysta hawlgalka Maraykanka.

Sida uu warku sheegay, dhaqaale ahaan waxa Djibouti kaga soo hagaagay kaalmadaasi 30 malyuun oo dollar, taasoo ka dhjgaysa mid ka mid ah dalalka uu dhaqaalaha ugu weyni kasoo galo hawlgalka uu Maraykanku kula dagaalamayo argagixisada marka loo eego tirada dadka ku nool, taasina waxay Saddex jeer ka badan tahay kaalmada uu Maraykanku ugu talogalay dalka Yemen oo ay ku nool yihiin dad ka badan 18 malyun oo qof, iyadoo ay Djibouti-na ku nool yihiin 600,0000 oo qof.

Marka la eego ahmiyadda uu saldhiga Djibouti u leeyahay Maraykanka, waxay ku macneeyeen inay Djibouti marin muhiim ah u tahay hawlgalka uu Maraykanku kula dagaalamayo argagixisada, maadaama ay ku taalo marinka laga galo Geeska Afrika iyo Badda Cas, si looga hortago xubnaha ka tirsan Al-qaacida ee kasoo firxaday dagaaladii ay Maraykanku ku qaadeen Afqaanistaan iyo goobo kale oo ka tirsan caalamka.

Top


Sidee 1da July Looga Xusay Koonfurta Somaliya?

Muqdisho (Haatuf) Waxaa shalay iyo habeenhore ka dhacay magaalada muqdisho xaflado lagu maamuusayay sanadguurida 43aad ee kasoo wareegtay markii koofurta soomaaliya xurnimada ka qaadatay gumeesigii talyaaniga iyo israacii labada gobol oo ay ka dhalatay jamhuuriyadii soomaliya ee burburtay.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha haatuf ee Muqdisho si weyn ayaa looga dabaal dagay Muqdisho iyo meelo kale oo katirsan koofurta soomaaliya. Hadii aan ku xafladii ka dhacday haaben hore xaruntii xisbiga oo u dhawayd istaadiyo muqasho oo si aad ah loo qurxiyay isla markaana lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaro ay tumayeen fanaaniinta kala duwan ee qaranka ilaa laga gaadhayay waxqti gii calnsaarka taasoo dhanka kale aad arkaaysay in si aad ah loo ilaalinaayay xaga amaanka oo meeshaas ay joogeen baabuurta gaashaaman iyo ciidamo aad u farabadan.

Dabaaldegii ka dhacay fagaaraha tara buunka shalay waxa ku soobandhigay gaardi kaciyaar ay ku soomareen urrurada bulshada dagmooyinka gobalka banaadir iyo ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo waliba ciidamo loo baxshay ciidamada Degaanka waxa aad moodaysay sidii dowladii hore sida ay u soolabisteen iyo sida ay umaryeen wada gaardiga ay samaynayeen si layaab leh uu ahaa taas oo ku jireen gabdho aad ubadan watayna darayskii malatariga.

Waxaa intaasii dheer in ceedamadu ay wateen darajooyinkii kala duwanaa ee dowladii hore garbahooda ku tixnaan jiray, balse in ay iyagu leeyiin iyo in kale lama kala garanayn Waxaa kaloo xusid madan aradayda maqaalda Muqdisho oo soo bandhigay gaada kaciyaar iyo maharjaan aad u xiisa badnaa. Kuna sooban dhigeen fagaaraha tarbuunka, dadkii isku imaadkaas socodka ku maraayay oo lagu qiyaasay 46000 oo qof sida uu sheegay gudoomiyaha qaban qaabada xafladaha 26 juun iyo kowada luuliyo, oo ah wasiirka beeraha dowlada ku meelgaadhka ah Markii xaflada dhamaatay waxaa xarunta madax tooyada lagu qabtay shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax qabadkii maalinta kowda luuliyo kusaabsan. Waxaana halkaa kahadlay ku simaha re iisul wasaaraha ahna wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Cabdi Guuleed iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee golkaha baarlamaanka.

Waxay labbadooduba ka hadleen taariikhdii loo soo maray halganka lagu qaatay xuriyada maanta lahadhsanayo mar uu kahadlaayay ku simaha ra iisul wasaaraha shirka kasocda nayroobi waxa uu shegay in soomaalida ay maantay u bislaatay in ay wax dhistaan waxna ay ka soobixi doonaan shirkaasi dadkana ay fahmaan waxa ay nabadu tahay ayna garaawsadaan wuxuu maantay dalkuudu ku suganyahay.

Dhanka kale Maxamed Abroone ayaa ku celyay mawqifka G.N.T ee ku aadan shirka kasocda nayroobioo ah in laga sooqaybgaliyo soomaali land, wuxuu kaloo sheegay in calankii soomaaliya ee modo tabansano ah aduunka laga waayay markan ay dooladiisu ku soocelisay calamada aduunka in kastoo manaasibad quruxbadan ay kadhacaday fagaaraha tarabuunka.

Hadana halqof ayay ilaalada ciidamada G.N.Tee waar diyaha ka ahaayed tarabuunaka ay ku dhaawaceen kadibna loola cararay isbitaal madiina kaasoo xaaladiisa caafimaad lasheegayo in ay halis ku jirto. Dhanka kale waxaa xarunta muusa suudi yalaxaw ee waqooyiga muqdisho kadhacay xaflad lagu maamuusaayay kowda juulay xafladaas ay ka qaybgaleen siyaasiin ay kamid yihiin En Maxamed Xuseen Cadow iyo C/raxmaan shifti ayaa waxaa lagaga hadalay sadex iyo afartan sano kabacdi waxa ay soomaaliya ku sugantahay waxaa gabayo iyo guubaabo kasoo jeediyay abwaan layidhaahdo Carabow Maxamed waxuuna dareenkiisa ku muujiyay gabaygansidoo kale waxaa mu naasibadaa kahadlay muusa suudi yalaxayw oo kawaraymay taariikhdii dowladii rayadka ayhayd iyo tii malatariga lakiin 13 sano oo dowlad alaan ah iyo 30 sano oo dowlad xuma ah waa lafaaniyaa sagaalkiisano ee ugu horeeyay ayaa ugu xumaa hadana xumaan lahayn kacaan madhasheen 21 dii sano eedalka uu haystay hadaanu xumayn waa ay maarayn lahaayeen.

Mar uu kahadlayay mawqifkiisayaasadeed shirka kasocda nayroobi oo aan mooqufkiisii hore wax iska badalin oo mabda ahaan uu waafaqsanhayay shirka isla markaana uu dhawaan u anbaxi doonaan shirka isa goo sheegay in war qad qoraal ah oo ku aadan mooqufkiisa uu gudbiyay shirka una dhiibay safiirka uqaabil san talyaaniga shirka aan horay u aragnay in shirka muuqifkiisa aanan na anficin islmarakaana aannan jirin wax naga wakiil ah oo shirka joogata waxaana shirka usheeganay in uu shirka sii daba dheeraaday sided biloodna marayo wax nuxurlehna uuna kasoo bixin waxaana uga digay aydoo kooxa qaar ka maqanyihiin in dawlad laga dhiso oo lagu dagdago.

Muusa Suudi ayaa sheegay in lagu dhawaaqin wax doowlad ah iyo madax wayne aan loo dhamayn wuxuuna sheegay in ayna kooxdiisu ogolaan doonin in ay qaataan talo ama go aan kasta oo aan wax kulahayn shirka dib u hashiisiinta imbagaathi.

Dhanka kale dad badan ayaa manta qaba in dhibaato iyo dil iyo dhac ay wali ku jiraan islamarkaan laga dareemayo magaalada muqdisho xaalkeeda sida uu yahay ku waas oo sheegay in ay ku jiraan nolol aad u adag taas oo dadka qaarkood kala socdeen idaacadaha goobihii xafladaha lagu dhigaayay.

Barbarka kale waxaa xaflad taas oo kala ah ka dhacday hodheelka Shaamow ee Muqdisho waxaana munaasibadaa qadka taleefoonka kala sooqaybgashay fanaanada caanka ah ee khadra Daahir Cige oo sheegtay in ay dareen gaar ah ii leedahay maalintaan oo kale ay kadamqanayso dhibaatada lasoogudboonaatay dalka soomaaliyeed.

Khadra Daahir oo qadka taleefoonka kala qaybqaatay ayadoo joogtay london xaflad la gu xusayay kowda luuliyo laguna qabtay hudheel shaamow ayadoo qiiraysan waxay u sheegtay Dadwaynihii kasoo qaybgalay munaasibadaas waxay sheegtay Dadka taariikhda sida fican u yaqaanay qaar in ay dhinteen qaarna ay kala fagaadeen waxaan filayaa in aan dadkii xiligaas ogaa wax xaqiiq gaar ah u leh marka ay isku yimaadeen gobolo soomaaliyeed oo gumaysi kala haystay marna ay tahay markii gobalada koofureed qaateen xuriyada. Umada soomaaliyeed oo kala maqan iyo gumeesi kaatagay tareenkiisa uu lahaan qofkasta oo gartannaya balse halkaan kuma soo koobi karo.

Hadalkaan fanaandada ayaa wuuxuu ku beegmay in Faysal Cali waraabe oo hagaamiya xisbiga ucid u dadka ku boorinaayey in maan too kale ay tahay in maalin aad u xun Dadkuna ay soo qaataan mara madow asagoo lahad laayay wariysi uu siiyay xalay idaacada hoon afriik ee magaalada muqdsiho.

Kismaayo iyo dhankeeda waxaa lagu qabtay xaflad lagu xusayay kowda luuliyo waxaana kahadlay gu doomiyaha isbahaysiga dooxada juba Mudane Bare Hiiraale oo sheegay in uuna kaqaybgalayn shirka kasocda kiinya isagoo sabab uga dhigay in janaraal moorgan iyo ciidamo uu wato ku soo fool leeyiniin dooxada juba isla markaana diyaar u yihiin in ay iska difaacaan hadii lasoo weeraro.

Dhanka kale Xaabsade oo ka mid ah garabyada R.R.A da ayaa sheegay in aanay aqbalayn in janaraal moorgan kasooweeraro kismayayo Gobalada Bay iyo bakool isla markaana ay ka hortagi doonaan haduu Duulaan isku soo dayo.

Top


Maleesiya oo furtay.

Xarunta cusub ee la furay ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maleysiya uu ku sheegay in ay tahay talaabo weyn horey loo qaaday oo la xidhiidha dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Sayid Xaamid Albaar ayaa sheegay in wixii ka danbeeyey weerarkii bomaano ee Baali, in wajiga labaad ee dagaalkaasi uu hadda yahay irida dalka Maleeshiya.

Waxuuna rajeynayaa in ay helaan dhamaan dowladdaha Koofurta Bari ee Ashiya khabiirada ugu wanaagsan dunida ee ku xeesha dheer ka hortaga argagixasada, waxay taasi dhaxalsiineysaa gobolka in ay si wanaagsan uga hortagaan Ururada xagjirka ah ee dagaalka wada.

Waxaa uu intaa ku daray in xaruntan cusub ay bixin doonto tababaro, hase yeeshee buu yidhi, ma noqon doonto hay'ad loo kaashado xagga sirdoonka.

Ilaa iyo Bishii July ee sanadkii hore, markaas oo uu Xoghayan Arrimaha Dibbada ee Mareykanka, Colin Powell soo jeediyey in la sameeyo xaruntan, xidhiidhkii Maleeshiya iyo Mareykankana waxaa hoos u dhigan arrinta Ciraaq.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maleeshiya, Sayed Xaamid waxaa uu cadeeyey in xaruntan cusub ay noqon doonto mid ay maamusho dowladda Maleesiya.

Warar laga soo xigtay dhanka Mareykanku waxay sheegayaan, in uu Mareykanku ku faraxsan yahay in xuruntaa siiyo khubarada haddii laga codsado.

Dowladda Maleesiya ayaa ah dowladda u qalanta in ay hogaanka u qabato dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee goboka Koofur Barri Asiya. Waxayna mar sii horeysay dowladda Maleesiya xidhxidhay dad badan oo lagu eedeeyay in ay xag jir yihiin . Dalka Maleesiya iyo dalka la dariska ah ee Singapore labaduba waxay ka nabad galeen inta baddan rabshadaha la soo gudboonaaday dalalka gobolka.

Dalkani Maleesiya waxaa sida oo kale uu taariikh ku leeyahay, oo uu ku guuleystay oo soo socotay muddo kontan sanadoood ah ka hortaga kacdoonka, markaaso iyadoo garab ka heshay dowladda Britain ay ka guuleysatay jabhadihii shuuciyada.

Dowladda Maleesiya waxay sheegaysaa in nidaamkani uu xudun u ahaan doono istratiijiyada horumartay ee xarunta cusub ee gobolka ee ka hortagga argagixisada.

Top


Hillary Clinton Oo Ka Warantay Gogol-Dhaafkii Odaygeeda: “Go’aankii ugu adkaa nolosheyda waa ag joogistiisa!”

Haweeneydii uu qabay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Hillary Rodham Clinton ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii ay soo shaac baxday xidhiidhkii fadeexayeey ee Bill Clinton iyo Monica Lewinsky, kawarantay gogol dhaafki uu odeygeedii ku sameeyey xilligii uu ahaa madaxweynaha dalka Mareykanka sanadii 1998-dii. Xilligaasoo ay dunida oo dhan hadheeyeen hadal heynta sheekadii muddo sideed bilood socotay ee ku saabsaneyd xidhiidhkii ka dhaxeeyey Bill Clinton iyo Monica Lewinsky,markii danbana uu naf ahaantiisu qirtay.

Hillary Clinton ayaa dhawaan buug ay soo saari doonto ugu magac dartay “Living History” (Taariikh-da Nool) buugaas ah mid ay ku sheegeyso sida uu madaxweynihii Mareykanka waa ninkeeda e ee uu had iyo jeer u sheegi jiray been islamarkaasina iyadoo ay ka hadhay labo cisho dhageysigii maxkamada uu qirtay xidhiidhkii isaga iyo Monica Lewinsky.

Hillary oo iyaduna u arkeysay eedeymaha ninkeeda loo soo jeediyey mid uu xaasidkeedu wado, ayay talladu faraheeda ka baxday 12 bisha Agust, markii Clinton oo dhiileysan wejigiisana laga dareemeyey cabsi xoog leh u sheegay “in arintu ay hada ka culustahay intii hore”,taasoo ula jeeday in wixii dhexmaray isaga iyo Monica Lewinsky ay ahaayeen kuwo jira oo dhab ah.

“Waxaan aad ugu xanaaqay nafteydii oo weligeed rumeysnaan jirtay isaga, sida oori ahaana waxaan rabay inaan qoorta ka gooyo” ayey tidhi Hillary oo aad uga xun sida ay uheyd mid marwalba rumaysan jirtay hadaladiisa.

Waxaan awoodi waayey inaan neefsado,iyadoo igu goo’goysay neefsashada ayaan anigoo ooyaya oo ku qeylinaya isaga idhi “Maxaad ula jeeda? Maxaad sheegeysa? Oo maxaad beetna iigu sheegtay?”

Wargeyska la yidhhaado New york Post oo soo akhriday nuqul kamid ah buuggaasi aan weli soo bixin ayaa sheegtay in qaar kamid ah qoraalada buuggu ay xuseen in Aqalka Cad ee Mareykanku uu u muuqdo “Riwaayad Raqiis ah.”

“Nafteydii ayaan aad ugu xanaaqay ilbidhiqsi kastana waxaan dareemayey xanuun,iyadoo uu maalin walba horteyda taagnaa," isagoo leh, “waan ka xumahay, waan kaxumahay waxaan doonayey inaan badbaadiyo adiga gabdheyda Chelsea” ayey Mrs: Clinton ku sheegtay qaar kamid ah qoraalka buugga ay ugu magac dartay “Living History” (Taariikh-da nool).

Hillary oo xanaaqsan ayaa ilmo ka keentay indhaha odeygeeda kadib markii ay cadaadis ku saartay inuu u sheego gabdhiisa gogol dhaafkii uu sameeyey.

Hillarey oo ka sheekeyneysa maalintii ugu darneyd nolsheeda ayaa sheegtay iney aheyd muddo yar kadib markii ay dhamaatay dhageysigii dacwada islamarkaasina qoysku ay u tageen dalxiis Marthas Vineyard, taasoo marlabaad damqday boogtii kasoo gaadhay qirashadii odeygeeda uu qirtay inuu xidhiidh xagga jinsiga la sameeyey Monica Lewinsky.

“Guud ahaan qoyska oo dhan ma jirin qof jeclaa in uu la joogo marka laga reebo eyga Buddy''. Waxaan dareemayey oo keliya qalbi jab iyo dhaawac aad u weyn,markasta oo aan jeclaa inaan la hadlana waxaan sii dareemayey daal u darran. Inta badana waxaan akhriyi jiray wargeysyada,xeebta ayaan ku lugeyn jiray.Isaga iyo aniga islamaanaan seexan jirin, oo waxaa uu seexan jiray dabaqa hoose aniguna waxaan seexan jiray dabaqa sare. Ayey tidhi Hillary Clinton oo buugeedii “Living History” ka warbixineysay sida ay noloshooda aheyd kadib markii odeygeydu u qirtay xidhiidhkii kadhaxeeyey isaga iyo Monica Lewinsky.

Go’aankii ugu adkaa ee nolosheyda aan gaadha waxey aheyd inaan sii wado la noolaanshaha ninkeygii” ayey tidhi Hillarey oo nuqalkani uu qoray wargeyska New york Post ku sheegtay sidaas.

Ugu danbeyntiina waxaa ay sheegtay Hillary iney weli jeceshay Clinton iyo inuu ka caawiyo musharaxnimadii ay ku dooneysay iney noqoto Senator-ka magaalada New York.

Inta badana iyada iyo odeygeeda kamayna hadli jirin wax dhaafsiisan musharaxnimada ay da daalka dheer ugu jirtay,tanina waxaa ay keentay iney ilowsiiso qeyb kamid ah dhibaatada soo gaadhay.

Guud ahaan sheekadii fadeexowday ee Monica Lewinsky iyo Bill Clinton ayaa caalamku hadal hayey muddo sanad ah, iyadoo ay arintaasi ku sheegtay Hillary mid dhaawac aan dhamaan ku reebtay qalibigeeda.

Top


Guul Malaga Gaadhay Ladagaalanka Argagixisada?

Ereyga argagaxiso marka aad maqasho waxaa kugu soo dhacaya oo durba maskaxdaada dib kuugu celineysa sawiro keyd ah oo ay kal hore meel ku keydisay. Waxaa sawiradaasi kamid ah qaraxyadii waa weynaa ee dalka Mareykanka lugu qaaday 11 sep 2001-da, maalintaasoo gebi ahaan caalamka ku reebtay mahadho iyo muuqaal aan dadka maskaxdoodu ka faaruqeyn. Wixii maalintaasi ka horeeyey qarax kasta oo dhaca saameyn weyn kuma yeelan jirin adduunyada sida ay maalintaas ugu yeelatay.

Guud ahaana beesha caalamka waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay sidii loo cidhibtiri lahaa waxa loogu yeedho argagaxisada iyo cidkasta oo lugu sheego iney la tahay ehel.

Hadaba dagaalkii lugu qaaday dalka Afgaanistaan waxaa uu ahaa bilowgii dagaal ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, caalamkuna waxuu dagaalkaasi u hayey taageero dhankasta ah. Sidoo kale muddo dheer kama soo wareegin markii ay ciidamada Mareykanku ku qaaday dagaalka dalkaasi ay meesha ka saareen maamulkii Taalibaan iyo kooxdii Al-qaacida ee hoyga u ahaa mudada badan.

Dhab ahaan wax guul u eg dagaalkaasi ayaa laga gaaray hadana ragga wax qarxiya ee sida weyn u noqday ”Tuke Cambaar leh” sidaas kuma samrin ee waxaa ay halkoodii ka siiwadeen weeraradii ka dhanka ahaa dowladaha awooda is biday iyo danahooda gaarka ah ee caalamka ku leeyihiin.
Sanadkii ina dhaafay waxaa kooxahaasi lugu tiriyo argagaxisada ay ay qaraxyo xoogan ka geysteen jazeeradda Bali ee dalka Indoonisiya, halkaasoo ay ku dhinteen shisheeyo badan oo reer galbeed ah oo jazeeradaasi u tagay dalxiis.

Sidoo kale waxaa isla sanadkaasi dalka Raashiya magaaladiisa caasimada ah ee Mosko golle madadaalo ku oo ku yaalay dad rayid ah ku af duubtay ragg sheegay iney yihiin dagaalyahaniinta xaq u dirirka ah ee Jeejniya, waxaana ay raggaasi codsadeen in Raashiya ay soo af jarto dagaalka ka dhanka ah Jeejniya.

Inkastoo weerarada isbiimeynta ah aanu aheyn kuwa dhamaad leh hadana waxaa muuqata in dalalka argagaxisada la dagaalama iyo beesha caalamkuba aaney yareysan da daalka loogu jiro sidii looga cidhibtiri waxa argagaxisada sheegta hadana arinka ku saabsan argagaxisada waxey u eg tahay oodhaahdii aheyd ”Faanoolle fari kama qodna” taas oo macnaheedu tahay in dagaalka lugula jirro argagaxisada uu yahay mid in hada si rasmi ah u bilowday mooyee aanu dhamaanin.

Dalka Israa’iil oo iyadu lugu tiriyo iney tahay qeyb kamid ah dhibaatadda dunida Carabta ka aloolsan waxaa ay weligeedba caan ku aheyd qaraxyo ismiidaaminta ah ee uga imanaya kooxaha Xisbullaah, Xamaas iyo ururo dhowr ah oo dhamaantood sheega iney u diriirayaan xoreynta dhulka Muqadaska ah ee Beytul-Quds. Sidaa daraadeed xannuunka iminka sida weyn u haya dalka Mareykanka uma hayo, waayo Israa’iil tan iyo intii dib loogu soo celiyey dhulalka carabeed kadib gummaadkii Hitler ee dhamaadkii afartaneeyadii waxaa ay weligeed ku jirtay qaraxyo aan dhamaan xalna ay weli u la’dahay sidii ay ku joojin laheyd , halka Mareykan oo marqura lugu soo duulay uu dagaal ku qaaday dalal ay ka jireen maamul iyo xukun dowlo.

Israa’iil oo qudheeda oo u eg dal aan awood badan laheyd sida Mareykan waxaa la odhan karaa waxaa ay karti iyo adkeysi dheertahay Mareykanka oo qarnigan bilowga ah isku ekeeysiiyey Ilaaliyaha Dunida meelkastana ciidamiidiisa daadsan yihiin halka Israa’l nolosheeda oo dhan ay qaraxyo ku jirtay.

Duulankii lugu qaaday dalka Ciraaq ee xukanka loogaga tuuray Sadaam Xuseenkii ka talinaayey waxaa ay noqotay guushii ugu horeeysay ee nooceeda ah ay gaadheen Mareykanka iyo xulafadiisa ee weligood ku andacoon jiray in dalka Ciraaq heysto hubka sida daran wax u gumaada cabsina laga qabo iney gacanta u galaan kooxaha mayalka adag ee iyagu cadaawada daran u haya reer Galbeedka.

Hadaba maadama ay dhamaatay cabsidii xooga laheyd ee laga qabay in dagaalka Ciraaq saameyn ku yeesho guud ahaan nabad galyada bariga dhexe ee awalba loo caal waayey, ayaa su’aashu waxey tahay meeyey hubkii Nukliyeerka ahaa ee lugu sheegay dalkaasi ee qiilka looga dhigtay dagaal markiisi horeba la sii qorsheeyey in in lugu af gembiyo dal lahaa nidaam,xukun iyo kala danbeyn,mise meeshuba hub wax gumaada ma aannu oolinee ujeeddo fog baa la lahaa?

Si kastaaba arintu ahaatee dagaalkii Ciraaq ee soo koobmay waxaa uu fajiciso ku noqotay guud ahaan caalamka iyo dadka odorasa siyaasadda bariga dhexe oo runsan kari waayey in si sahal ah kusoo afjarmay dagaalka Ciraaq iyadoon wax dhibaato ah kala kulmin marka laga reebo in maalmihii hore ee dagaalka uu horeeyey iska caabin xoog leh.

Hadaba qaraxyadii ka dhacay dalka Sacuudi Careebiya waxaa ay markale damqay boogg la moodayey in waa hore ay reysatay,taasoo ah in haddii dagaalkii Ciraaq u muuqday mid soo af jaray dagaalkii lugula jiray argagaxisada ay weli madaxyada soo taagayaan awoodooduna ay isa soo tareyso. Sidoo kale qaraxyadii ugu danbeeyey ee ka kala dhacay Marooko iyo Israa’iil waxey astaan muuqda u tahay in weli aan la dhantaalin awoodii ururka Al-Qaacidda ee isagu dagaalka hubeysan kula jira Mareykanka iyo xulafadiisa.

Iinkastoo dab iyo bansiin isku yihiin Al-Qaacida iyo Mareykanka hadana labada dhinac wax guullo gaadhay ma jiraan aan ka aheen iney galaaftaan dad aan wax galabsan.Saa daraadeed waxaa maanta la raadinaya nabad ka islaaxda guud ahaan dunida iyadoo labadaasi dhinac aan soo xusay ay u arkaan xalka inuu yahay qori caaradiis. Ugu danbeyntiina ay Al-Qaacida waxaa ay qaraxyadeedii dalka Sacuudiga la beegsatay xilli ay dowlada Mareykanka ka daad gureysaneyso ciidamadeedi mudada dheer joogay dalka Sacuudiga taasina ay Al-Qaacida u adeegsatay odhaahda ah ”Qorri iyo qaaciis waa la iska tuura” oo ay xitaa dhowri kari weyday in ciidamadaasi ka tagaan dalka Sacuudiga haddii hadafkeedu ahaa in ciidamo shi sheeye aaney sii joogin dhulka Muqadaska ah ee Xarameynka.

Ugu danbeyntii ayaa waxaan maqaalkan ku soo koobayaa dhowr su’aalood oo aan isleeyahay waa muhiim in la isweydiiyo islamarkaasina ay dhici karto in la helo jawaab sax ah, ayaa su’aashu waxey tahay. Dagaalkii lagu magac daray la dagaalanka argagaxisada miyuu soo koobmay haddii Sadaam Xuseenkii Ciraaq ee lugu tilmaami jiray tiirarka sharka uu meesha ka baxay?

Al-Qaacida-na ma ka guul gaadhay dagaalkii hubeysnaa iyo hadafkeedii Diimeed ee maanta ku kasbatay shacuub badan oo caalamka islaamka ku dhaqan islamarkaasina taageero weyn kaga heshay dunidda Muslinka?? Mareykanse ma sii ahaan doonaa saaxiibka daacadda ah ee Carabtu leedahay gaar ahaan nimanka hagoogan ee gacanka Carabta, Sacuudiguse oo haatan ogaaday in dalkiisa uu yahay dalka sida weyn isha uga hayo Mareykanku, casharadii Riyadh-se kadib ma xakameyn doonaa weerarad Al-Qaacida ee taageerada weyn ku leh gudaha Sacuudiga???
Guud ahaanse dagaalkii lala galay Argagaxisada ”Guul Malaga Gaaray Mise Godkba Looguma Gelin?”

Top


Ciidamada Isra’il Oo Laayay Dad Falastiiniyiin Ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegaya in ciidamadu toogteen nin dableey ah oo Falastiini ah, saacado ka hor kulan labada Ra'iisal Wasaare ay ku meel marinayaan qorshaha ugu danbeeya ee nabadda Barriga Dhexe.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ninka la dilay ka dib markii uu xabado ku furay kontorool ay joogeen militariga Israel ee ku dhow magaalada Daanta Galbeed ee Tulkaren.

Ciidamada Israel ayaa mar sii horeysay ka baxay qeybo ka mid ah Marinka Qaza, iyadoo la raacayo qodobadii ku xusnaa qorshaha nabadda ee Road Map.

Saraakiisha Falastiinyiintu waxay sheegayaan in ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan in ay ka baxaan magaalada Daanta Galbeed ee Baytulaxam.

Saraakiisha Amaanka ee labada dhinac ayaa la filayaa in ay iyana kulmaan si ay uga wadashaqeeyaan arrimaha dhiman.

Ra'iisal Wasaarayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta, Ariel Sharon iyo Maxamuud Cabbaas ayaa la filayaa in ay wadahadal ku yeeshaan magaalada Qudus, si ay uga baaraandegaan tilaabada xigta.

Top


4 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaala Ciraaq.

Ugu yaraan afar Ciraaqiyiin ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay masjid ku yaala Fallujah oo ku taala Galbeedka Baqdaad, sagaal kalena waxaa la sheegayaa in ay halkaa iyana ku dhaawacmeen.

Sababta qaraxaasi keentay lama yaqaano, hase yeeshee qaraxyo isdabajooga ah ayaa ka dhacayay maalimihii ugu danbeeyay Fallujah.

Dadka degan halkaas waxay ku eedeynayaa qaraxyada in ay yihiin weeraro ka ka imaanaya xagga ciidamda Maraykanka, hase yeeshee ciidamada Mareykanku waa ay beeneeyeen arrintaas.

Waxayna sheegeen in sababta dhalisay qaraxyadaasi ay dhici karto in ay tahay waxyaabaha qaraxa ee lagu qarsaday guryaha.

Hase ahaatee, wariyaha BBCda ee Baqdaad waxaa uu sheegayaa, wax walba oo ay ahaataba, qaraxyada waxaa dhici karta in ay sii kiciyaan xiisada ka jirta Fallujah, halkaas oo ay dhowr goor ay isku dhaceen Ciraaqiyiinta iyo Ciimada Mareykanka ilaa iyo waxii ka dabeeyay markii Madaxweyne Bush uu sheegay in uu dhamaaday howlgalkii weynaa ee dagaalka Ciraaq.

Top


Jack Straw Oo Booqday Magaalada Khandahaar.

Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Britian ayaa sheegay in uu doonayo in uu arko meelaha ka baxsan caasimadda Kaabul ee Afqanistaan, sidaa darteedna waxa uu tagey magaalada Khandahaar, iyadoo amaankiisa aad loo adkeeyay, Hase yeeshee booqashadani way dhaafsiisan tahay in uu meelo daawado oo kaliya.

Xidhiidhka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Xaamid Karazay iyo gobolada kale ayaa ah mid aad iyo aad u xun, booqashadan xoghayaha arrimaha dibadda ee Britainna waxay sii xoojinaysaa xidhiidhka u dhaxeeya caasumadda iyo gobolada kale ee dalka Afqanistaan.

Mr. Straw waxa uu kula kulmay khandahaar gudoomiyaha bobolka, Gul Agha Sherzay, waxaana la filayaa in Mr. Straw uu arko sida ay u howlgalaan saraakiisha la dagaalanka mukhaadaraadka oo ay tababarkooda gacan ka geysatay dowladda Britain.

Gobolada dariska la ah Khandahaar ee Uruzgaan iyo Heelmaand ayaa waxaa si weyn loogu yaqaan in mukhaadaraadku uu aad uga baxo. Dowladda Britainna waxaa weeye qaranka hogaamiya oo taageera ololaha dowladda Afqanistaan ee ka dhanka ah mukhaadaraadka.

Khandahaar waxay horey xarun weyn ugu ahaan jirtay maamulkii Talebaan. Inta ay socoto booqashada Xoghayaha Arimaha dibadda ee Britain Jack Straw, ayaa waxaa la soo qaaday dhibaatada xagga amaanka ee meelahaa ka jirta oo ay ka danbeeyaan canaasiir ka hadhtay ciidamadii Talebaan. 

Top


ODAAHDA AKHRISTAHA: Hay’adaha dalka Jooga iyo Tuugada Badheedhka ah.

Dalka Somaliland oo ay ka jirto nabad buuxdaa ayaa noqotay wax lala yaabo gaalada ajaanibka ah oo iyagu dalka u yimaad tuugo. Haddaba waxa isweydiin mudan maxay tahay tuugada badheedhka ah ee ay ugu dhiiradeen?

Waxa jira dad u dhashay dala oo la shaqeeya, isla markaana tusa meelaha qorsha dejin ah, oo inta ay garaafyo been ah sameeyaan ka dibna lagu cuno kharashaad aad u badan.

Waxa kale oo ka mida inay yidhaahdaan waxaanu furaynaa siminaar beena oo gaalada iyo dadka reer Somaliland, ka dibna isku shubta, iyagu aan u aabo yeelayn.

Waxa ay aad u gurtaan khayraadka dhulkeena, hadheeyey, sida dheemanta iyo waxa la halmaala, kuwaas oo ay tilmaamaan dadka u dhashay Somaliland waa ayaan darro.

Waxa taasi ka sii daran in ay doonayaan in ay dhaqan guurku sameeyaan diinteena wanaagsan, kuwaas oo wadiiqooyin u samaystay ururada haweenka.

Haddaba iska daa waxqabad buuxa oo ay u sameeyaan dalka lama arag.

Axmed Cali Sh. Muxumed, Hargeysa.

Top


Maxay Wakiiladu U Celiyeen Afarta Wasiir?

Aniga oo ah Aadan Geeddi Liibaan Jadheeye, waxa aan aad ula yaabay 4-ta wasiir ee dawladdu ay golaha wakiiladda ugu gudbisay inay soo ansixiyaan, ee golaha wakiiladuna ay is-hortaageen, ee ay yidhaahdeen wasiiradda la magacaabo hala soo wada raaciyo, iyaga oo isla markaana goluhu ku andacoonaya oo yidhi “maxaa carqalad ah ee dawladda hortaan, inay wasiiradda dawladda cusub ee la magacaaba oo la is wada raaciyo.”

Anigu waxaan leeyahay, carqaladda madaxweynaha hortaagani waxa weeyi, iyada oo ninba nin jeebka ku sito, oo uu leeyahay hebel wasiir hanalooga dhigo.

Haddaba, waxay ku haboontahay in aan madaxweynaha la toorjargayn, ee isaga hawshiisa loo daayo, isagu ha baandheystee, balse halaga daayo waxan lagu karka badanayo, ee ah maxaad u dhakhsan weyday? Iyo maxaa carqalad ah ee ku hortaagan?

Waxa jirtay in madaxweynuhu uu soo saaray 7 wasiir, kuwaas oo uu ku soo xulay karti iyo wax qabad sooma jeestanimo, iyo halyeynimo, balse waxaa dhacday in 4 wasiir oo ka mid ah uu goluhu is-hortaagay, kuna qaybsamay, raggaasina waxaa ka mid ah Ismaaciil Aadan cismaan oo aad ogtihiin inta uu nabadgelyada ku hawshooda ama uu wax ka qabtay. Taas oo aan lagu sheegi karin nin reereed.

Haddaba ninka caynkaas ah ee hawshiisa isku xil qaamay ee geesinimada samaynaya, wixii nabadgelyo xumo samaynayeyna wax ka qabanaya waa in lagu gargaaraa oo lagu hambalyeeyaa, balse maaha in suuqa lagaga sheekeeyo oo la yidhaahdo “Reer buu ka soo jeedaa” ciddi u horeysay ee uu soo xidh-xidhay waxay ahaayeen beesha uu ka soo jeedo.

Hashu nirigta meesha xun bay ka ursataa, markaa waxaan leeyahay ayaan meelo kale arrimaha loo duduwin ee ninkii wax qabana ee geesi ah hala taageero, hana lala shaqeeyo.

Baarlamaanka waxaan leeyahay, waar marba wixii la soo baandheeyo ee la soo shaandheeyo ee la idin horkeeno saxeexa oo ansixiya.

Waxa kale oo aan intaas raacinayaa nimanka C.I.D.-daw hawshiina kordhiya oo magaalada dhexgala oo wixii fawda wada wax ka qabta.

Aadan Geeddi Liibaan Jadheeye, Hargeysa.

Top


Dulmigu Waa Astaanta Koowaad ee Caddaalad Darrada.

Dabcan weynu garan karnaa cadaalad darradu dhibaatada ay leedahay.
Haddaba waxa maqaalkan aan kaga hadlayaa maxaabiis tobaneeyo ah oo aan aaminsanahay inay ku xidhan yihiin dulmi, aan waafaqsanayn xuquuqda muwaadinka qofna ku ah sharciga iyo qawaaniinta muwaadinka.

Shacbigeenan Somaliland waxa aynu soo marnay halgan qadhaadh oo aynu kaga soo horjeednay taliskii Siyaad Barre, kaas oo ka dhashay dulmi iyo cadaalad darro, lagula kacayo shacbiweynaha. Iyada oo lagu samaynayey dil, xadhig, dhac, iyo bool, waana waxa aynu ka dhiidhinay ee kumanaan qof ay ku naf waayeen, haddaba 19 May waxa la xidh-xidhay dhalinyaro tobaneeyo ah, oo xukuumaddu ay ku tidhi waxay ku kaceen falal nabadgelyada ku lid ah.

Haddaba haddii ay yihiin dambiilayaal waxa waajiba in maxkamadda la horgeeyo, lagun aoogo dambiga loo haysto, muddo 48 saacadooda, iyada sidaasa ayaa waxa allla iyo wax lagu soo oogay oo maxkamad lagu geeyey aanay jirin, iyaga oo xidhan muddo bil iyo dhawr cisho ah, oo ay ku waayeen xorriyadoodii, muwaadinimo, taas oo ah dulmi laguna gefay xuquuqdii ay ku lahaayeen dalkooda. Waana cadaalad darro in qof aan wax lagu cadaynayaa aanay jirin laga qaado xorriyadooda.

Haddaba waxaan leeyahay xukuumadda waa in la dhawro xuquuqda muwaadinka oo aan laga dhex arag muraayadda siyaasada ee ay ku loolamayaan siyaasiyiinta madax doonka ah.

Waayo dhalinyaradaa oo aan xagga hore ku soo xusay ee xabsiga loo taxaabay waa kuwo aan aaminsanahay inay xukuumadu u xidhxidhay dano siyaasadeed, oo iyagu xiligaa xal u arkayeen, laakiin aan arkay xalka dalka iyo dadkaba.

Dhalinyaradaa lagu taxaabay xabsiga ee lagu gefay xorriyadoodii, haddii aan ka xuso qaar ka mid ah waa raggii naftooda u huray xorriyadanaynu maanta hadhsanayno, waana mujaahidiintii ka dhiidhiyey tan ay maanta ku xidhan oo kale.

Si kastaba ha ahaatee waxaan leeyahay dawlada waa in arrinta maxaabiista talaabo laga qaado oo lagu oogo waxa lagu eedaynayo haddii loo soo celiyo xorriyadoodii oo laga xadhiga dulmiga ah ee aan waafaqsanayn dastuurka, waayo dulmigu waa astaanta koowaad ee caddaalad darrada.

Waxa ay bulshadu idiinku dhiibatay xilkana maarha cadaalad darro inaad ku samaysaan, ee waa inaad cadaalad wadanka ku dhaqdaan.

C/risaaq maxamed axmed, Hargeysa.

Top


Warqad Furan.

Ku: Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xeer-ilaaliyaha Guud, Taliyaha Ciidanka Bilayska.
OG: Golayaasha “Shacbiga iyo Guurtida”
OG: Saxaafadda Somaliland
UJeedo: Codsi

Annagoo ah dadka magacyadoodu hoos ku xusan tahay, waxaanu si xushmad iyo qadarin leh idiinka codsanaynaa in degdeg Garsoorka loo horkeeno si sharciga waafaqsan dhallinyarada iyo mujaahidiinta u xidhxidhan siyaasadda muddada bil iyo badh-ka ah xukun la’aan, ilaa haddana aan maxkamadda la horgeyn. Tallaabadani waxay si toos ah lid ugu tahay dastuurka Qaranka, waxayna burinaysaa xilka la idiin doortay, kuna dhaarateen Magaca “Alleh” (s.w.t), isla markaana waxay ku tumaneysaa xuquuqda mawaadinka iyo sharafta xil-sidaha (masuuliyiinta).

Sidaa aawadeed, waxanu mudanayaal idinku boorinaynaa idinkoo shaqadiina gudanaya waajibna idinka saaran yahay ilaalinta xuquuqda muwaadinka, waa in sida ugu dhakhsaha badan dambi loogu soo oogo ama madaxbannaanidooda loo soo celiyo, si sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii, waxaa codsigan wada jir u soo saarey Mujaahidiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Dhallinyaro reer Hargeysa ah, Qurbo-joog, xubno ka tirsan axsaabta UDUB, UCID, KULMIYE iyo xubno Jaaliyadda Somaliland ee UK “Somaliland Society In UK” ah.

Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan
Mahdi Xaaji Nuur “Lixle”
Yuusuf Cabdi Hawsi
Maxamed Koosaar Yuusuf
Cabdi Muuse Muxumed
Warsame Xasan Gaas
Maxamed Ibraahim Siciid
Saleebaan Siciid
Siciid Sacad Qalinle
Keyse Cabdi Cali
Ismaaciil Xaaji Wareer
Xuseen Xasan Warfaa
Fawsi Bare Axmed
Axmed Cumar C/laahi
Mustafe Xasan Nuur
Mawliid Ibraahim Aadan
Maxamuud Muuse Muxumed
Ismaaciil Maxamed Gadiid
C/rashiid C/raxmaan C/laahi
Xasan Cali Axmed
Axmed Cali Ciyaale
Maxamed Muxumed Xirsi
C/kariin Xabashi
C/risaaq Maxamuud Sheekh
Khaliil Cismaan Saban.

Top