Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 369 July 7, 2003

Khabiir Ka Socda Qatar Oo Ka Xog-Waramay Mashaariic Laga Hirgelinayo Somaliland, “Umaanu iman Inaanu iska gurano Khayraadka Dalka… Waxaanuna ahmiyad siinaynaa dhismaha Wershada Milixda.”

Haweenka Somaliland Oo U Tafaxaytay Inay Xubno Ka Noqdaan Golaha Wakiilada, “Sir iyo caadba waa in ay haweenku ku soo galaan golayaasha, laakiin miyir ha ku daraan…” Xaaji Cabdi Waraabe.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalinjabiyey SOOYAAL.

Wakiilada Oo Ka Dooday Muddo-Kordhinta Iyo Xeerka Saxaafadda.

Aragtiyaha Kala Duwan Ee Laga Bixiyay Xukuumadda Cusub.

Somaliland Iyo Britain Oo Ku Heshiiyey Dib U Soo Celinta Qaxootiga Bilaa Ruqsada Ah.

Cabasho Maxaabiis Ku Xidhan Jeelka Hargeysa.

Waa Sidee Xaaladda Nololeed Ee Xabsiyada Burco Iyo Berbera? Warbixin - Weriye Liibaan M. Shire.

Gaadhi Jaad Siday Oo 14 Geel Ah Ku jiidhay Wadada Berbera.

Bayaan Beesha Muuse Dheriyo.

Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Iska Bahaysanaya Dhinaca Siyaasada.

Sadaam Xuseen Oo Soo Diray Cajalad Uu Kaga Hadlayo Xaaladda Ciraaq.

Urur Goboleedka Afrikada Galbeed Oo Ciidamo Nabad Ilaalina U Diraya Liberia.

Madaxweynaha Pakistan Oo Cambaareeyey Weerar Lagu Qaaday Masaajid.

Bush Oo Ka Hadlay Dagaalka Uu Kula Jiro Argagixisada.

Dagaal markale maanta ku dhexmaray Kismaayo ciidamo taagersan Barre Hiiraale iyo talyahiisa ciidamada isbahaysigadooxada Juba.

Ururada Bulshada Reer Muqdisho Oo Bilaabay Abaabul Xoojinta Nabadda Ah.

Qodobada Heshiiska Kooxaha Soomaalida Ee Shirka Nayroobi.

Kenya Oo Xayiraadii Ka Qaaday Diyaaradaha U Duulaya Soomaaliya.

Dumar Isbiimeeyey Oo Moosko Ku Dilay 15 Qof.

Tony Blair Oo Eedayn U Soo Jeediyey BBC-Da.

ODHAAHDA AKHRISTAHA Baarlamaanku Ha Ka Fiirsado Ansixinta 42 Wasiir.


Khabiir Ka Socda Qatar Oo Ka Xog-Waramay Mashaariic Laga Hirgelinayo Somaliland, “Umaanu iman Inaanu iska gurano Khayraadka Dalka… Waxaanuna ahmiyad siinaynaa dhismaha Wershada Milixda.”

Hargeysa (Haatuf): Wershad soo saari doonta milixda ayaa dhismaheeda dhawaan laga bilaabi doonaa magaalada Berbera, meel lix (6), KM dhinaca galbeed ka xigta noobiyadda Berbera. Sidaa waxa xaqiijiyey war aanu ka helnay wasaaradda Ganacsiga iyo wershadaha ee Somaliland, waxaanu warku intaa ku daray in wershadan ay dhisi doonaan ganacsato Qadariyiina oo dhawaan dalka booqasho ku yimid, oo uu hogaaminayey Sh. Naa’if Binu Suldaan Binu Xasan Al-Taani, oo ka tirsan qoyska ka taliya Qatar, ahna maal qabeen weyn, oo mashaariic badan ku leh dalal caalamka ka tirsan.

Ka dib waxa noo suurto gashay inaanu waraysi la yeelano Axmed Nuur Cabdul Jabaar oo ah Engineer khabiir ahaan loogu soo daray hirgelinta wershadan iyo sidii u daraasad iyo sahan ku saabsan sida iyo qaabka ay suurto gal ku tahay hawlgalinta wershadani, oo ay iska arkeen kana wada hadleen wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu sheegay inay haatan dhamaystireen daraasadii iyo sahamintii arrintaa ku saabsanayd, oo aanay jirin wax mushkilad ah oo soo waajahday, marka laga reebo, dhibaato la xidhiidha qiimaha shidaalka oo qaali ah, taana ay ku hawlan yihiin sidii ay u fududayn lahaayeen, balse waxa uu xaqiijiyey in hawluhu sida kale ay u dhamaystiran yihiin, isaga oo intaa ku daray in natiijadda daraasadan uga soo baxday uu kula noqonayo Sh. Naa’if Binu Suldaan Binu Xasan Al-Taani, oo isaguna qiimeyn ku samayn doona.

Cabdul Jabaar mar uu ka hadlayey sababta ay ku timid dhismaha wershadani waxa uu sheegay inay ka dhalatay booqashadii uu dalka dhawaan ku yimid Sh. Naa’if oo la kulmay madaxda sare ee dalka, oo ay isla soo qaadeen sidii mashaariic looga hirgelin lahaa dalka. Isagana uu u soo diray sidii uu sahamin iyo daraasad ugu samayn lahaa, sida ay suurta gal ku tahay hirgelinta wershadani, khabiirkani wuxuu dalka yimid maalintii khamiistii isaga oo booqday goobo kala duwan, waxaanu sheegay inuu la kulmay meelo badan oo mashaariic laga hirgelin karo, balse ay haatan ahmiyadda siinayaan hirgelinta mashruucan wershada milixda, qorshahooduna yahay inay ka qayb qaataan dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka, iyaguna ay ka faa’iidaysan doonaan, kheyraadka kala duwan ee ka buuxa Somaliland.

Marka taa laga reebo waxa uu sheegay inay sidoo kale ka qayb qaadan doonaan sidii kaalmo dhinaca bulshada ugu fidin lahaayeen bulshada Somaliland, gaar ahaana dhalinyarada.

Mar uu ka hadlayey mashaariicda kale ee qorshaha ugu jirta, waxa uu soo qaaday mashruuca Wajaale iyo beeraha deegaanka Gabiley sidii ay u maal-gashan lahaayeen, iyo mashaariic kale oo uu sheegay in lagu dhawaaqi doono heshiiskooda dhawaan “Ma Doonayno inaanu kheyraadka dalka iska qaadano, oo iska tagno sida gumaystayaasha, ee waxa qorshahayagu yahay inaanu hirgelino mashaariic faa’iido u leh anaga iyo dadka reer Somaliland-ba,” ayuu yidhi Cabdul Jabaar, isaga oo intaa ku daray in wixii ay arkeen ay u bandhigi doonaan Sh. Naa’if Binu Suldaan Binu Xasan.

Sidoo kale khabiirku waxa uu booqday wershadii sibidhka ee Berbera, waxaanu sheegay inay ka fiirsanayaan ta faa’iido roon inay wershadaa dib u kiciyaan iyo inay mid cusub dhisaan, waxa kale oo qorshaha ku jira hirgelinta mashaariic dhinaca kaluumaysiga ah.

Sida uuu sheegay warka aanu ka helnay wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha, wershadani waxay kaw ka tahay heshiis ay isla gaadheen wasaaradda ganacsiga iyo ganacsatada reer Qatar, oo uu qorshuhu yahay in dhismaheeda loogu horeysiiyo, iyada oo dhismaheeda la bilaabi doono inta aanu sanadkani dhamaan, si xadhiga looga jaro horaanta sanadka dambe. Waxaanu ku talo galku yahay in wershadani soo saarto sanadkii 50, kun oo tan milix ah sanadkii.

Sida qorshuhu yahay heshiiska mashaariicda lagu hirgelinayo waxa ka mid ah sidii loo samayn lahaa mashaariic ay ka mid yihiin goob lagu xanaaneeyo kaluunka nooc ka mid ah, goob lagu farsameeyo maraakiibta yar yar ee Kaluumaysiga, sidoo kale waxa lagu talo jiraa samaynta wershada qasaacadaysa Kaluunka, dib u kicinta wershada sibidhka Berbera iyo suuq ganacsi oo laga hirgeliyo magaalada Berbera, si looga maarmo alaabta aynu u doonano Dubia, isla markaana ka jaban, kana tayo wanaagsan.

Sida ay xaqiijisay wasaaradda ganacsigu mashaariicdani waxay ka mid yihiin heshiis ay hore u wada galeen dhawaan markii weftigaasi yimid dalka (Memorandum Understanding) oo haatan lagu jiro sahamintiisa, iyada oo marka sahamintu dhamaato mashruuc kasta si gaara heshiis looga geli doono.

Top


Haweenka Somaliland Oo U Tafaxaytay Inay Xubno Ka Noqdaan Golaha Wakiilada, “Sir iyo caadba waa in ay haweenku ku soo galaan golayaasha, laakiin miyir ha ku daraan….” Xaaji Cabdi Waraabe; “Arrintani Way naga soo go’day, doorashooyinkiina safafka ugu dhaadheeri waxay ahaayeen xaawalayda,” Edna Aadan.

Hargeysa (Haatuf): Haweenka Somaliland ayaa kulan weyn oo shalay lagu qabtay Hoteelka Maansoor markii ugu horeysay si rasmi ah u cadaystay inay doonayaan in xubno laga siiyo baarlamaanka, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka mid ah ururada haweenka, iyo xaawalayda kale, xildhibaano ka socda labada aqal ee baarlamaanka iyo masuuliyiin sare oo tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda, Edna Aadan Ismaaciil, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta qoyska iyo arrimaha bulshada Amran Cali Xiis, waxa dood iyo falanqayn balaadhan la isku afgartay ahmiyadda ay dalka iyo bulshadaba u leedahay in dumarku ka qayb galaan baarlamaanka, iyada oo ay haweenku ku nuux-nuuxsadeen inay talo ku gaadheen in marka hore ay ka mid noqdaan golaha wakiilada ee hadda jira oo min laba xubnood oo dumar ah gobol kasta laga soo magacaabo, taas oo tirada guud ka dhigaysa 12 xubnood marka loo eego lixda gobol ee dalku ka koobanyahay.

Wasiirka arrimaha dibadaba Somaliland Edna Aadan Ismaaciil oo arritan si xoog leh u taageersan ayaa waxay tidhi “Arrintani way naga soo go’day, doorashooyinkiina waa la ogaa oo safafka ugu dheeri waxay ahaayeen xaawalayda, garina laba nin kama wada qosliso”.

Edna Aadan iyada oo la hadlaysa xubnaha baarlamaanka ee fadhiyey madasha kulanku ka dhacay waxay ku tidhi “Waa arrin aanu amaano idiinku dhiibanayno, abaal-gudkeedana waa naga heli doontaan oo waa naga baayactan”.

Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha guurtida (aqalka sare ee baarlamaanka) ee ka qayb galay aqoon-isweydaarsiga, ayaa isagu soo dhaweeyey taladan ay haweenku soo jeediyeen, waxaanu madasha ka jeediyey hadal dheer oo uu kaga hadlay sida diiniyan iyo dhaqan ahaanba dumarka loo xurmayn jiray, waxaanu yidhi “Dumarku waligood way tirsanaayeen oo meel l’aan may joogin, geedka ragga ayaa tagi jiray, duulaankana iyaga ayaa qaadi jiray, taasina xaqiraad may ahayn ee waxay ahayd diin iyo dhaqan is-barkan oo lagu xanaaneynayo dumarka, halkay 4 dumar ahi joogaana waxa loo yiqiin reer”.

Xaaji Cabdi wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in dumarku ay diinta iyo dhaqankaba ilaaliyaan, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Edna waxaan ku jecelahay sidii habrihii aan garanayey ayey wax u huwataa”.

Xaaji Cabdi wuxuu hadalkiisa ku soo khatimay oo uu yidhi “Sir iyo Caad-ba waa inay ku soo galaan baarlamaanka, laakiin miyir iyo tar-tartiib ha ku dareen”.

Sh. Muuse Goodaad oo isna ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka ayaa isaguna ka hadlay waxa sharciga Islaamku ka qabo in dumarka talada dalka wax laga siiyo, ama ay xil qabtaan, ay bulshada ugu adeegi karaan, waxaanu Sheekhu tilmaamay kaalinta ay dumarku ka soo qaateen taariikhdii Islaamka.

Sheekh Muuse oo soo dhaweynaya fikrada ah in dumarku ka qayb galaan baarlamaanka wuxuu isla markaana haweenka dalka kala dardaarmay inay cid kale oo dano kale lihi ay soo hoos galaan.

Waxa isaguna arrinta ka hadlay Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka tirsan culimaa’udiinka reer Somaliland wuxuuna sheegay in waajibaadka aasaasiga ah ee dumarka ay saldhig u yihiin guriga iyo barbaarinta carruurta.

Sheekh Ismaaciil waxa u yidhi “Haddii aanay arrintu soo galayti ahayn ma arko wax sharci ah oo diidaya inay talada dalka wax ku yeeshaan”.
Xubnaha golaha wakiilada ee baarlamaanka (aqalka hoose) ee ka soo qayb galay kulankaas ayaa iyaguna dhamaantood isku raacay in haweenka Somaliland ay 12 xubnood ku yeeshaan golahooda.

Jaamac C/laahi Warsame (Jaamac Biin) oo ak mid ah wakiilada ayaa mar u ka waramayey booqasho ay koox xildhibaano ahi ku tageen kal hore wadamada Ugandha, Itoobiyaiyo Ruwaanda, sheegay in laba ka mid ah dumarka Somaliland ay u sii raaceen wadamadaasi.

Waxaanu Jaamac intaa ku daray oo u yidhi “Haddii aanay hablahaasi na sii raaci lahayn albaabo badan oo noo fumray nagama furmeen”.

Gabogabadii doodii dhexmartay ka qaybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga waxa la isla gartay in haweenku ay hogaanka sare ee dalka la kulmaan oo ay xukuumadda (madaxweyanaha) ku qanciso sidii u uga dalban lahaa baarlamaanka inay tacdiil ku sameeyaan distoorka, siiba qodobka ku saabsan tirada xubnaha golaha wakiilada si loogu kordhin karo 12 xubnood, iyada oo ay hadda yihiin 82 xubnood.

Waxaanay ka qaybgalayaashii aqoon isweydaarsigu isku raaceen in la sameeyo gudi isku dhafan oo ka kooban xubno xildhibaano ah iyo kuwo dumar ah.

Xubnaha guddida waxa ka mid ah,
Xaaji Cabdi Xuseen
Sheekh Muuse Goodaad
Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho)
Maxamed Muuse Abees
Jaamac Cabdilaahi Warsame iyo
Maxamed Aaden.

Haweenka ayaa iyaguna la filayaa in dib isugu noqdaan kulan ay maanta yeelan doonaan si ay u soo magacaabaan xubnaha guddida u galaya.

Top


Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalinjabiyey SOOYAAL.

Hargeysa(Haatuf): Munaasibad shahaadooyin lagu gudoon siinayay Arday ka qalin jebisay xarunta tababarada ee Sooyaal VTC ayaa doraad lagu qabtay Hoolka weyn ee dhismaha Sooyaal, waxaana munaasibadaa ka qayb galay Madaxweyne xigeenka somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka qorshaynta Axmed X Daahir iyo masuuliyiin ka socotay Hayadaha caalamiga ah ee dalka degan.

Gudoomiyaha Jamciyada Sooyaal Xasan guure oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay xaalada jamciyada, kaalinta tababarada ay bixiso ahmiyada ay bulshada u leedahay iyo waxyaabaha looga baahanyahay dhinaca xukuumada , wuxuuna ka sheekeeyay waqtigii la bilaabay dugsiga tababarka waxyaabaha xirfadaha lagu baran jiray, isagoo sheegay in waqtigii hore lagu bari jiray Ardayda Afar xirfadood , balse waqtigan qaybihii tababarada ka furan yihiin Nijaarada iyo wastaadnimada , wuxuuna sheegay taa sabab u tahay ka dib markii ay haya'ada SWIS Group joojisay kaalmadii wax lagu bari jiray ardayda sanadkii hore.

Gudoomiyaha Sooyaal Xasan Guure wuxu intaa ku daray in ardayda labada qaybood ee nijaarnimada iyo wastaadnimada ay kusii wadeen wixii uga hadhay lacagihii hore , laakiin wuxu ka dayriyay in wixii ka danbeeya Ardaydan hadii aanay kaalmo ka helin dawlada iyo hayadaha deeqda bixiya aanay sii wadi karayn oo uu dugsigu xidhmayo.Wuxuuna xusay in madaxweynihii geeriyooday ala haw naxariistee uu balan qaaday inay dawladu bixinayso 20%, laakiin marka afar meelood loo qaybiyo meel ay bixisay intii uu noolaa, wuxuuna sheegay inay lacagtaasu ka maqan tahay dadkii ganacsatada ahaa ee alaabta laga qaaday iyo shaqaalaha ,isagoo arrintaa ka hadlayana wuxu yidhi, “inta ka hadhay lacagtaa dawlada ayaanu ka sugaynaa , madaxweyne xigeenkiina wuu joogaa , dhawr jeer oo horena dawladu waxay balan qaaday inay bixinayso.” Mar uu ka hadlayay tirada ka baxda sanad kasta dugsiga tababarada ee xirfadaha wuxu sheegay inay sanad kasta ka baxaan ilaa 80 Arday, kuwaas oo 60 % ay shaqooyin helaan oo ay daboolaan baahida qoysas badan Mr Xasan guure waxa uu sheegay inay jirto dhibaato isa soo taraysa oo ka imanaysa dhinaca dugsiyada oo ay sanad kasta kasoo baxaa ilaa 70,000 (todobaatan kun ) oo Arday , kuwaas oo kasoo baxa dugsiya dhexe ee dalka , islamarkaana ay Dugsiyada sare ka galaan ilaa 4000,(afar kun),iyadoo aan inta kale loo hayn Dugsi sare, wuxuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Wasaaradii qorshayntu way joogtaaye sanad kasta waxa dugsiyada dhexe ee dalka kasoo baxa ilaa 70,000(todobaatan kun) oo arday , waxana dugsiya sare loo hayaa 4000, inta kale waxay inoo soo fadhiisanayaan suuqa.”

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Axmed X Daahir oo isaguna xafladaa ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay ardayda u leedahay xirfadaha ay barteen ,wuxuuna ku tilmaamay mid uga qiima badan shaqada xafiisyada, islamarkaana uga dakhli badan marka loo eego dunida hore u martay.Wakiilka haya,ada Care u jooga somaliand Mr Dhow-albeit ayaa sheegay inay ahmiyada siinayaan tababarada iyo xirfadaha, wuxuuna intaa ku daray inay arrintaa dhowaan madaxweynaha somaliland kulan uu la yeeshay hayadaha kusoo qaadeen. sidaa awgeed ay intii karaankooda ah gacan ka geysanayaan.

Madaxweyne xigeenka s/land Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal kooban halkaa ka jeediyay , waxa uu sheegay in wasaaradda qorshaynta looga baahan yahay inay qorshaha ku darsato sidii loo heli lahaa waxbarashada casriga ah ee looga bixi lahaa waxbarashadii gabowday, taasoo uu sheegay inay ku iman karto in la sameeyo machadyo lagu barto farsamada gacanta. Madaxweyne xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin wuxu ardayda ku guubaabiyay doorka ay bulshada ku yeelanayaan haddii ay wax bartaan.

Waxaana munaasibadaa shahaadooyin lagu gudoon siiyay ardaydii ka qalin jebisay oo ahaa 40 arday oo bartay nijaarada iyo wastaadida.

Top


Wakiilada Oo Ka Dooday Muddo-Kordhinta Iyo Xeerka Saxaafadda.

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa fadhigii shalay ku soo qaaday muddo kordhintii labada gole ee dhawaan ay kordhisteen labada gole, taas oo ay hadal haynteedu beryahanba aad u badatay, waxayna mudanayaashu fadhigaa shalay kaga hadleen sharciyadda ay ku fadhido arrintaa muddo kordhintu, isla markaana waxay mudanayaal doora oo ka dooday mawduucaa fadhigii shalay ay ku tilmaameen mid sharciya, oo waafaqsan dastuurka.

Mudane Muxumed Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya wuxuu sheegay inay sharci tahay muddo kordhinta labada gole, wuxuuna mudanayaasha u sheegay aanay ahayn kordhinta ee ay tahay sharciyadda dhiman ee suurto gelinaysa golayaal la soo doortay, isla markaana wuxuu ku tilmaamay inaanay arrintanu ahayn mid madaxweyne iyo urur toona gacanta ugu jirta, ee ay tahay arrin sharci ah.

Mudanahani wuxuu doodiisa ku darsaday hadalo uu dhawaan gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo uu kaga hadlayey arrinta doorashooyinka baarlamaanka, isla markaana sida uu ku dooday mudanahanu wuxuu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE soo jeediyey in haddii aan la soo dedejin doorashada baarlamaanka lagu qaybiyo tirada mudanayaasha saamigii codadka ay xisbiyaddu kala heleen doorashooyinkii madaxtooyadda, laakiin mudane Muxumed Cabdi isaga oo arrintaa daba jooga wuxuu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, oo aanu garanayn qaabka loogu qaybinayo, wuxuuna meesha ka saaray soo jeedinta noocaas ah, ee xisbiyadda mucaaradka iyo ciddii kale ee aaminsaniba inay tahay mid khaldan.

Wuxuuna intaa ku daray in arrintan muddo kordhinta hadal haynteedu ay tahay mid la doonayo in la iskaga horkeeno shacbiga iyo golayaasha.

Mudane Garaad oo isaguna doodaa ka qayb qaatay ayaa ku dooday inuu dastuurku dhigayo in golaha wakiiladda uu bedeli karo gole la soo doortay oo kaliya, sidaa awgeed loo baahanyahay in arrinta sharciyadda dhiman la dhamaystiro, isla markaana wuxuu soo qaaday hadal uu gudoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Qaybe uu kaga hadlayey arrintan oo uu ku tilmaamay inay golahanu ku fadhiyaan muddo cayiman.

Mudane Garaad wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa mudanayaashii ka baxay markii la soo hordhigay golaha habka saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka, taasoo uu ku tilmaamay mid abuuri karta buuq, haddii aan debeda lagusoo dhamayn ka hor inta aan golaha la horkeenin, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya Mudane Garaad yidhi, “Anigu waxan ahaa mudanayaashii reer awdal ee ka dareeray golaha markii ay ka biyo diideen saami qaybsigii kuraasta mudanayaasha, maantana haddii la keeno cid baa ka dareeray.”

Mudane Garaad wuxuu ku dooday inay arrinta kala xadaynta gobolada iyo degmooyinku tahay mid caqabad keeni karta sidaa awgeed waxay u baahan tahay in loo saaro guddi farsamo, isla markaana loo baahan yahay in la fidiyo maamulka, aan weli gaadhin meelo ka mid ah Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay haddii aanay taasi dhicin in aanu soo baxayn gole loo riyaaqaa, wuxuuna intaa inay doodii BBC_du qabatay ay ahayd inay ku darto xubno ka mid ah golayaashii laga hadlayey, isla markaana wuxuu ka codsaday BBC-du inay furto dood ah goluhu “ma sharci baa mise waa sharci darro.”

Mudanayaal kale oo iyaguna doodaa shalay ka qayb galay, ayaa ku dooday inay muddo kordhintu ahayd mid sharci ah, oo waafaqsan dastuurka qaranka.

Marka doodaa shalay la isku soo ururiyo waxay ahayd mid muujinaysay sida ay mudanayaashu u diidanyihiin in la soo hadal qaado, muddadii ay isku kordhiyeen.

Sidoo kale maalintii doraad waxay mudanayaasha golaha wakiiladu ka doodeen xeerka saxaafada oo beryahanba dooddiisa iyo hadal hayntiisu taagnayd , ka dib markii ay gudidii goluhu u saaray dib ugu soo celiyeen fadhigii doraad , waxaana uu xeerkani ka dhex abuuray mudanayaasha dood kulul , iyadoo ay soo jeediyeen arragtiyo iyo doodo kala duwan oo la xidhiidha xeerkaas. Waxayna mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen in gebi ahaanba xeerkaas la laalo, waxaanay ku tilmaameen mid gef ku ah xoriyada saxaafada oo la doonayo in lagu cabudhiyo.Mudane siciid maxamuud (guraaje) ayaa isagu ku dooday in labadii nidaam ee dunida ka jiray midna bur buray, midna weli dunida ka shaqaynayo , taasoo uu ku tilmaamay inay tahay xoriyad la,aanta, oo sabab u ahayd burburkii hantiwadaaga, wuxuuna mudanahaasu intaa ku daray in xoriyada saxaafada uu dastuurka S/land cadeeyay, islamarkaana aanu xeer joojin karin , xeerka nidaaminayaana aanu hayn mid lagu cabudhinayo ee uu yahay ka sheegaya shaqadooda, isagoo yidhi, “xoriyada saxaafada ee dastuurku tilmaamay lama taaban karo, haddii kale waxynu ummada u jidaynaynaa gumaysi cusub.”

Prof. Maxamed Cumar Jiir oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada ee doraad dooda xeerkaa ka qayb galay ayaa mudanayaasha u sheegay inaanay arrintanu saamayn afkaartooda siyaasadeed, islamarkaana ay si waaqici ah uga fekeraan , isagoo yidhi, “waa inaynu ka fekerno berito ee aynaan ku fekerin maanta ee waa inaynu ogaanaa inaynu halkan ka tegeyno.” Mudane Maxamed (food yere) ayaa isaguna ku dooday inaan maanta loo baahnayn xeer laga horgeeyo saxaafada. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,”maanta uma baahnin xeer aynu ka hor geyno saxaafada.” Wuxuuna intaa ku daray in wixii denbi ah ee ay saxaafadu gasho lagu qaado oo sharciga la mariyo.

Mudane Ismaaciil mire ayaa isagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo xeer saxaafadeed. Mudane Cali Sheekh doon ayaa isagu ku dooday in loo baahan yahay inaan xeerka dadka iyo saxaafada toona lagu cabsiin ee laysla eego oo saxaafadu cid soo dirato iyagana aynu waxay ka qabaan ogaano si ay wax inoogaga kordhiyaan, wuxuuna intaa ku daray in laambada somaliand maanta ka ifaysaa ay tahay saxaafada, sidaa awgeed loo baahan yahay in laga fiirsado xeerka.

Dooda mudanayaasha ee la xidhiidha xeerka saxaafada waxay mudanayaashii doraad ka dooday u badnaayeen kuwo ay kaga soo horjeedeen in saxaafada lagu socod siiyo xeerkaa, laakiin mudane qaybe oo dooda ka dib la hadlay mudanayaasha ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in xeer loo sameeyo saxaafada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxa loo jeedaa waxa weeye in aanay saxaafadu muwaadiniinta sharaftooda dhaawicin ee maaha cabudhin,” wuxuuna tusaale u soo qaatay eedaymo dhowaan sida uu sheegay war lagu baahiyay wargeyska jamhuuriya oo ku saabsanaa in isaga (qaybe ahaan) loo diiday fiise uu ku tegi lahaa dalka koonfur Afrika, iyadoo sabab looga dhigay diidmadaa inuu ka qayb qaatay kirayntii calooshooda u shaqaystayaashii waday diyaaradihii duqeeyay Hargeysa iyo Burco xiligii 1988dii,laakiin qaybe isagoo mudanayaasha kala hadlay arrinta waxa uu sheegay in warka uu wargeyska Jamhuuriya qoray ahaa been qaawan, laakiin uu Wargeyska Haatuf shaaciyey cidii ku lug lahayd arrintaa, oo uu soo bandhigay magacyadii dadkii ka qayb qaatay duqeyntaa iyo duuliyayaashii waday diyaaradihii lagu duqeeyey Hargeysa iyo Burco.

Top


Aragtiyaha Kala Duwan Ee Laga Bixiyay Xukuumadda Cusub.

Hargeysa (Haatuf): Ku dhawaaqidii dhismaha xukumadda cusub Madaxweyne Rayaale dhowaan soo saaray ayaad moodaa in si isu dhow amaba isku mid ah looga arkay dhinacyo badan oo awal hore ku kala aragti duwanaa qiimaynta hogaanka dalka.

Axmed Maxamed Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Siyaasadda ka gaabsada ayaa ka hadlay dareenkiisa dhismaha xukuumadda cusub wuxuuna yidhi, “Anigu waxaan u cadeeyay UDUB, kursina kamaan sugayn, cid kalena lamaan doonayn oo ma lihi kol haduu hebel magacaabi waayay waan qawadayaa balse waxaan ka xumahay wixii aan iyaga (Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka) ku doortay ayay ka horyimaadeen, taasaana ciil-kaambi igu haysa.”

Axmed isagoo faahfaahniya waxa uu u arki waayay liiska xukuumadda madaxweynuhu soo dhisay wuxuu yidhi, “Waxaan ku doortay UDUB ka fogow inuu codkaagu raaco meel beelnimo lagaa urin karo, anigoo taa uga jeeda cuqdada aan ka qabay nidaamkii beelaha. Taas ayaan u raacay UDUB oo aan uga baydhay mid aanu isku hayb nahay, laakiin madaxweynuhu wuxuu soo dhisay xukuumadii beelaha taasoo kuu cadaynaysa inaan xagiisa waaguba ka beryin.”

Marwo Cali Yaasiin oo ah hooyo guri-joog ah ayaa iyana tidhi: “Wax kale garan maayee Ilaahay hortii ragga uu beddelay mid-midka aan ka aqaano mid walba wuxuu ku beddelay mid reerkooda ah, kaaga darane lama odhan karo waxa uu ka doortay nin tayo dhaama.”

Yuusuf Maxamed Rooble oo ah ganacsade waayeel ah ayaa isaguna aragtidiisa uu ka qabo xukuumadda cusub ka hadlay oo yidhi, “Anigu waxa la sheegsheegayo ma daneeyo, laakiin waxaan ka eegay xaga nabadgelyada oo waxaan filayay in madaxweynuhu taa tixgeliyo oo uu xisbiyada kale iyagana wax ka qaato weliba haddii laga tegi waayo uu UCID wax ka qaato waayo waa kuwii markhaatiga la daba-taagnaa.”

Maxamed oo isaguna ah macallin ayaa arrintaas isna ka hadlay, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay: “Dadku maxay Madaxweynaha ula yaabayaan, waa kuwee kuwa raggan ka tayada wanaagsan ee ay sugayeen. Midda kale yaa yidhi qabyaaladii waa laga tegay, maxaynu beenta isugu sheegaynaa sawkuwan golayaasheenii, salaadiintii iyo raggii caanka ahaa madaxtooyada is-weydaaranayaan.”

Haddaba, sidaa iyo si la mid ah ayaa bulshada laba waliba u hadal-haysaa liiska la magacaabay ee xukuumadda, marka loo dhabo galana waxa kuu muuqanaysa in xisbiyada UDUB iyo UCID dadkii taageersanaa intooda badani dhabanada hayaan iyagoo aamus iyo amakaag ay kaga jawaabeen, halka xisbiga kale ee KULMIYE taageerayaashiisu aad ugu qoslayaan, kaftanka iyo haasaawaha ku digashada u egna la doonanayaan halkii ay xubin UDUB ah ama taageere UDUB ah ku ogyihiin.
Haddaba, liiska xukuumadda Madaxweynuhu uu soo dhisay waxa ka muuqata inuu doorbiday xukuumaddii uu ka midka ahaa ee hore u joogtay, xubnaha uu liiska magacaabista ka saarayna lama odhan karo asbaabahaas ayay mutaysteen oo ma muuqdo waxay ogaadaan oo ka sooci kara ragoodii, waxaase la fahmi karaa in qiyaastu salka ku hayso doorashadii.

Gebogebadii, tiradu way korodhay tayaduna waa qof iyo aragtidii, waxaase la hubaa in tayadii la filayay iyo ta madaxweynuhu isweydaarteen, iyadoo qodobka muhiimka ah ee aan jawaabta loo hayn ay tahay dib-u-dhaca liiska xukuumadda cusub iyo iyadoo xubnaha ku xusan liiska cusub ay yihiin kuwii hore u joogay, taasoo ay aqoontu qawaday in xukuumadii shalay maantana tahay mid laga sugo wixii ay shalayba qaban-weyday.

Top


Somaliland Iyo Britain Oo Ku Heshiiyey Dib U Soo Celinta Qaxootiga Bilaa Ruqsada Ah.

Hargeysa (Haatuf): Waaxda socdaalka ee dalka Britain iyo xukuumadda Somaliland ayaa heshiis ku gaadhay in dib loogu soo celiyo Somaliland dadka u dhashay ee sida sharci darrada ah ku jooga dalka Ingiriiska.

Heshiiskani wuxuu ka danbeeyay socdaal muddo afar maalmood ahayd qaatay oo ay Hargeysa ku yimaadeen wafdi ka koobnaa saddex xubnood oo ka socday dawladda Britain, wafdigaasi oo uu hogaaminayay Colin Harbin oo ah agaasime ku xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee dawladda Britain.

oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in dadka dib loo soo celiyo, ay yihiin kuwa magangelyo doonka ah ee aan la aqbalin codsigooda.

Mr. Colin Harbin waxa uu sheegay inay dadka ku dhiiri-gelin doonaan inay iskood u soo noqdaan, laakiin haddii ay diidaan lagu khasbi doono dib u soo celinta.

Sida ku cad qoraalka heshiiska waxa wada gaadhay wasaaradda dib u dejinta ee Somaliland iyo waaxda socdaalka ee Britain, wuxuuna dhigayaa in ugu badnaan bishiiba lagu soo celin karo Somaliland toban qof oo ah dadka u dhashay ee sida sharciga aan waafaqsaneyn ku jooga dalka Britain.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay wada shaqeyn dhow ka yeelan doonaan xaqiijinta in dad soo celintaasi la joogteeyo.

Waxaa ku qoran heshiiskaasi oo kale in dadka la soo celinaayo la dhawrayo karaamadooda qof ahaaneed, iyadoo lagu xusay heshiiskan in tallaabadan ay suurtagelisay nabadda, xasilloonida, iyo degenaanshaha ay ku naallooneysay Somaliland sannadahan danbe.

Wafdigaasi ka socday waaxda socdaalka ee Britain intii ay joogeen
Somaliland waxa la sheegay inay la kulmeen madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin, wasiiradda Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib U dejinta, iyo Warfaafinta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Edna Aden Ismaaciil oo heshiiskaasi ka hadlaysay ayaa sheegtay inuu khuseeyo oo keliya dadka bilaa sharciga ah ee gala denbiyada socdaalka ee ku nool dalka Britain una dhashay Somaliland ee lagu qanco marka la soo mariyo xafiiska wakiilka Somaliland ee London.

Edna Aden Ismaaciil waxay intaasi ku dartay in xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Ingiriisku hubin doono in dadka la soo celinayo, si aanay u dhicin in dad aan Somaliland u dhalan lagu soo celiyo dalka Somaliland.

Waxay kaloo sheegtay inay isla garteen saraakiisha Britain in inta aan la soo celin qofka marka hore la soo siiyo tababar xirfadeed uu ku shaqeysan karo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo la weydiiyay in xukuumadeeddu ay kubeddelatay wax lacag ah ogolaanshaha soo celinta dadka u dhashay Somaliland ee sida sharci darrada ah ku jooga Britain? Waxay ku jawaabtay inaanay haba yaraatee taasi jirin.

Heshiiskani wuxuu ka dambeeyey ka dib markii ay dalkan Somaliland yimaadeen wefti ka socda xafiiska socdaalka ee dalka Ingiriiska oo muddo dhawr casho ah qarsoodi ku joogay caasimada Hargeysa.

Kaas oo shir jaraa’id oo ay daraad ku qabteen warfaafinta ku sheegeen inay heshiis wada saxeexdeen.

Shirkaas jaraa’id oo weriye Haatuf ka tirsani damcay inuu weftiga su’aal ku weydiiyo oo uu iska hortaagay W. warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale.

Balse waxay warbixintooda ku sheegeen in dadka la soo celinayaa ay yihiin kuwo isugu jira dad waayey sharciga Ingiriiska ee magangelyo doonka iyo kuwo dambiyo ka galay dalka Ingiriiska, siiba kuwa u dhashay Somaliland.

Kuwaas oo aanay ku jirin dadka haysta sharciga qaxootiga kuwa sugaya toona

Top


Cabasho Maxaabiis Ku Xidhan Jeelka Hargeysa.

Anaga oo ah maxaabiista ku sugan xabsiga dhexe ee Hargeysa, tiro ahaana dhan sagaal xubnood oo magacyadoodu hoos ku qoran yihiin gebagebada qoraalkan, waxaanu ka cabanaynaa maxkamadda gobolka Hargeysa oo aanu kaga cabanayno qodobadan hoos ku qoran.
Waxa nala soo xidhay 20/05/03, waxaa toos naloo geeyey xabsiga ilaa haddana weli nalama horgeyn maxkamad.

Maxkamadda gobolku waxay soo rumaan garaysay magacyadayada iyada oo aan habar yaraatee aan na arag, marnaba nala horgeyn.

Waxaa dhamaatay muddadii ay dastuuriyan rumaan nagu hayn karaysay, muddada oo dhan (45) shan iyo afartan cisho.

Haddaba, maadaama ay muddadaasi dhamaatay ilaa haddana aan maxkamadda nala horgeyn, waxaanu golayaasha wakiiladda iyo guurtida ka codsanaynaa in xadhigayaga loo maro sifo sharciga waafaqsanayn, oo haddii aanu dalka danbi ka galnay iyo haddii kaleba waa in nala hor keeno maxkamadda oo haddii nalagu helo nala abaal mariyo, haddii kale cida na soo xidhantay nalagu bedelo.

Muj. Cismaan Cabdi Ismaaciil
Muj. Maxamed Axmed Xaashi Weere
Muj. Maxamed Daahir Warsame
Muj. Maxamed Barkhadle Caydiid,
Muj. Cali Cumar Axmed
Muj. Nuux Axmed Jaamac
Muj. Nuur Guure,
Muj. Keyse Axmed Cismaan
Muj. Axmed Aw Yuusuf Xasan

Top


Waa Sidee Xaaladda Nololeed Ee Xabsiyada Burco Iyo Berbera? Warbixin - Weriye Liibaan M. Shire.

Hargeysa (Haatuf): Xaaladda xabsiyadda magaalada Burco iyo Berbera ayaa laga dayriyey, iyo burburka iyo dhaawaca uu qabo xabsigii dhaqan celinta ee Mija Caseeye.

Haddaba weriye Liibaan Maaweel Shire oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ayaa warbixintan inooga diyaariyey, waxaanu u bilaabay sidan.
Xabsiga dhexe ee magaalada Burco waxa la dhisay 1942-kii, wakhtigii Ingiriiska intii ka dambaysay wax lagu kordhiyey ma jirto, waa dhisme weyn oo inta badan ay dundunsan tahay, waxa wakhtigan dhisan 14 qol oo ka mid ahi ay xafiisyo yihiin.

Xabsigan oo loogu talo galay 150 maxbuus, waxa xilligan ku xidhan 200 maxbuus oo 140 ka mid ahi ay xukuman yihiin, halka 60-ka kalena ay yihiin rumaan.

Maxaabiista 200-ah 11-ka mid ahi waa dumar, 4-na waa caruur da’ yar inta kale waa dhalinyaro.

200- oo askari ay jeel ah ayaa ka hawlgala xabsiga oo 24-ka ka mid ahi ay dumar waayeela yihiin.

Jaamac Axmed Qodax (J. Dheeg) ayaa ka waramay xaaladda iyo duruufaha uu ku sugan yahay xabsigu, wuxuuna yidhi “Jeelku malaha laydh u gaara balse shirkadda STC, ee telefoonada ayaa laba laambadood ilaalada jeelka u shiday, sidoo kale maxbuuska iyo askarigu midna daawo nagama helo, ilaa aanu ehelkii uga doono.

Ciidanku malaha meel ay roobka ka galaan, ma jirto waxbarasho iyo wax ay ku ciyaaraan toona.

Cuntada waxaanu siinaa qado iyo casho, subaxii shaah uun bay qaataan maxaabiistu, in yar baa cuntada dibada looga keenaa.

Maxaabiista qaarkood iyaga ayaa quraanka is-bara, waxayna u badan yihiin dhalinyaro, dhalinyaradaa si shaqo la’aan awgeed ayey dambiyadda u galeen, 60-ka ka mid ah maxaabiista waa kiriminal, oo dambiyo dil ah bay ku eedaysan yihiin, wakhtiyadda booqashadu waa maalmaha jimcaha iyo isniinta 8:30 subaxii ilaa 3:30 galabnimo, qareenada u doodaya maxbuuska way u yimaadaan, iyaga oo sita cadaynta qareenimo oo ay maxkamadda ka soo qaataan, gobolku wuxuu leeyahay saddex maxkamadood oo kala ah maxkamadda degmada, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda rafcaanka.

Xabsi ahaan sharciyaddii oo dhan waanu haysanaa, ciidanka jeelkana raggii hore ayaa haga ee ayjeesha ahayd, balse dhalinyaro cusub ayaa ciidanka ah hubkayagiina waanu haysanaa.

Qofka ay maxkamadi dil ku xukunto, waxa dilkaa fuliya 30 askari oo isugu jira 10 bilays ah, 10 ciidanka asluubta iyo 10 ciidanka qaranka, badana maxaabiista waxa ku dhaca xanuunka shubanka” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Dhismaha jeelka Burco waa mid aad u yar, waayo waxaad xabsiga gudihiisa ku arkaysaa qol yar oo ay ku jiraan 29 maxbuus oo ay 20-ka mid ahi rumaan yihiin, 9-na ay xukuman yihiin, kuwaas oo saxo xumo ku sugan, waayo malaha musqulo ay isticmaalaan, loomana ogola in ay isticmaalaan musqulaha dibadda, caruurta yar yar iyo kuwa xiska wax ka qaba ayaa lagu shaqaystaa, si ay u soo dadaadiyaan kaadida iyo saxarada, meesha u dhexyaal, 11-ka dumar ah ayaa iyaguna meel ka mid ah xabsiga ku xidhan, inkasta oo ay iyagu iska laydhsadaan, qolka ay ku xidhan yihiin, waxa ugu dhexyaal musqul aan asturnayn, taas oo aan albaab lahayn, kana daboolaynayn.

Qol ka mid ah jeelka waxaan kula kulmay wiil ilaa 20-jir ah, kaas oo is gubay, dhaawac weyna uu dabku gaadhsiiyey, ka dibna la soo xidhay, waxaan iyana arkaysaa maxaabiista rumaan ah oo sanad iyo ka badan ku xidhnaa.

“Abyan Cabdi Fariid oo ah oday ku dhaw 60-jir, wuxuuna ii sheegay inuu muddo xidhan yahay, xaaladiisa, caafimaadna aanay wanaagsanayn, uuna u baahan yahay dhakhtar”.

Ciidanka jeelku malaha gaadiid, direyskii ciidanka, sidaana waxa cadeeyey taliyaha ciidanka asluubta gobolka Togdheer Jaamac Dheeg, wuxuuna caddeeyey in aanay wax gacan ah ka helin cidnaba.

Si kastaba ha ahaatee, waxa lagama maarmaan ah, in wax laga qabto dhibaatadaa iyo duruufahaa ka jira xabsiga iyo marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista iyo xaaladda xabsiga.

La soco qayb kale oo ku saabsan xabsiga Berbera.

Wasiirada Cusub Ee Xanaanada Xoolaha Iyo Macdanta Oo Xilkii La Wareegay

Hargeysa (Haatuf): Wasiiradda cusub ee Xanaanada Xoolaha iyo Macdanta iyo Biyaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi iyo Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim ayaa xilkii shalay kala wareegay wasiiraddii hore Saleebaan Cali Koore iyo C/Raxmaan Maxamed Dixood.

Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday wasaaradahooda, ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha waxa lagu qabtay xaflada ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub Dr. Idiris Ibrahim Cabdi iyo wasiirkii hore Saleebaan Cali Koore, waxaana ka qayb galay madaxda wasaaradda, guddida dhakhaatiirta xoolaha, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cali Giir oo ka xog-waramay xaaladda wasaaradda, “Guud ahaan shaqaalaha wasaaraddu waa 101 (Boqol iyo Kaw) oo ay ka mid yihiin shaqaalaha xarunta WAXOOL (wasaaradda xannaanada xoolaha) iyo lixda gobol ee dalka, laba boqol iyo sagaashan ilaa saddex boqol oo qof ayaa la siiyey tababaro la xidhiidha daryeelka caafimaadka xoolaha, tababaradaas oo ay siiyeen hay’adaha UNHCR, VIT-AID iyo IFAD, waxa kale oo jira afar dhakhtaro iyo kal-kaaliyayaal ah ayaa tababar loogu diray dalka Kenya, kuwaas oo soo qaatay tababar xagga caafimaadka xoolaha ah, waxa kale oo aanu dalbanay qalab shaybaadh xoolaha ah, kaas 2/3 saddex daloolaw laba dalool ay na soo gaadhay, inta kalena waanu rajaynaynaa inay dhawaan na soo gaadho” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Waxa isaguna xafladda ka hadlay Dr. Ismaaciil Ibraahim Warsame oo madax ka ah ururka ULPA, oo ah urur ay leeyihiin dhakhaatiirta xooluhu, waxaanu ka xogwaramay ururkaas iyo wixii ay qabteen isaga oo sheegay in aas-aaska ururka uu iska lahaa wasiirka xilka wareejiyey, isla markaana ay ku marti qaadayaan inuu xubin ka noqdo ururkan ULPA.

Ka dibna waxa halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaraddaa Saleebaan Cali Koore, oo ka xogwaramay marxaladihii ay soo martay wasaaraddu iyo waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey “ Sifaha dawladnimo ayey tahay in maalinba qof lagu eego xilka, muddo saddex sanadood ayaan anigu wasaaradda madax ka ahaa, aniga oo qadarinayey muddadaa, marxaladii adkayd ee la soo maray, muddadaana ma jiro qof aan xil ka qaaday, taana waxaan ku ixtiraamayey duruufta dhaqaale xumo ee dalka ka jirta,” ayuu yidhi wasiirkii hore. Isaga oo u mahad naqay shaqaalaha wasaarada sidii ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, waxaanu ka codsaday inay wasiirka cusubna sidaa ula shaqeeyaan.

Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay wasiirka cusub Idiris Ibraahim Cabdi kaas oo sheegay inaanu hadal badan odhanaynin, balse uu mahad naqay dhamaan shaqaalaha wasaaradda, iyo wasiirka uu xilka kala wareegay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhamaantiin waad mahadsantihiin, waxaanan marti idiinka ahay sidaa wanaagsan ee aad ula shaqayseen wasiirkii hore inaad ana iila shaqaysaan”.
Dhinaca kale wasiirka cusub ee wasaaradda macdanta iyo biyaha ayaa xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaas.

Xaflada xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda qorshaynta Axmed Daahir Cilmi, wasiirka ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo biyaha Yuusuf Ciise Talaabo, masuuliyiinta, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Waxaana halkaa ugu horeyn ka xog-waramay agaasimaha guud ee macdanta iyo biyaha Cabdi Cali Odowaa, wuxuuna yidhi “Wasaaradda macdanta iyo biyuhu waxay ka mid tahay wasaaradaha wax soo saarka, wasaarada hawsheeduna waa biyaha iyo macdanta, gaar ahaan biyaha dadka reer guuraaga ah, soo saarka shidaalka iyo macdanta, qaabka wasaaraduna waa wasiirka, wasiir ku xigeen agaasimaha iyo afar agaasin oo aan mid la sharciyeyn weli” isaga oo ka waramay hawlaha kale ee wasaaradda.
intaa ka dib waxa ka hadlay wasiirkii xilka wareejinayey C/Raxmaan Maxamed Dixood, waxaanu u mahad naqay shaqaalaha wasaaradda, sidii ay ula soo shaqeeyeen, waxaanu ka xogwaramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayey.

wuxuuna yidhi “Berrigii hore waxa wasaaradda hoos iman jiray wakaaladaha biyaha, balse intii dambe waxa ku soo hadhayn uun ceelasha biyaha ee reer miyiga, iyada oo wakaalada magaalooyinku ay ka madax banaan yihiin,” isaga oo intaa ku daray in qorshahoodu yahay sidii ay u horumarin lahaayeen ceelasha biyaha ee reer miyiga, isaga oo ku booriyey wasiirka cusub inuu hawsha halkaa ka sii wado.

Ugu dambeyn waxa halkaa ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradaasi, isaga oo balan qaaday in intii karaankiisa ah ku dedaali doono horumarinta wasaaradda, waxaanu amaan u soo jeediyey wasiirkii hore iyo shaqaalaha wasaaradda.

Top


Gaadhi Jaad Siday Oo 14 Geel Ah Ku jiidhay Wadada Berbera.

Hargeysa (Haatuf): Gaadhi Jaad sida oo ay leedahay shirkadda B611 ayaa 14 neef oo Geel ah ku jiidhay meel u dhaxaysa tuulada Abdaal iyo Dacar-budhuq oo loo yaqaan Qadhiidha. Shilkaas waxa kaloo ku dhaawacmay Saddex nin oo ka mid ahaa jaadlayaashii baabuurka watay, gaadhigaas shilka galay oo noociisu ahaa NISAN 6 tan ah, markii uu geelaas jiidhay kadib wuxuu ka dhacay jar dheer oo wadada ku dhaw.

Geela baabuurku jiidhay toban ka mid ah ayaa dhintay halka afar kalena dhaawac soo gaadhay siday soo sheegeen weriyeyaal Haatuf ah oo jidka marayay waxay sheegeen in gaadhiga shilka galay uu Burco jaadka u siday.

Waxa dhaawacmay wadihii baabuurka oo magaciisa la yidhaa Maxamuud Caraale, Yuusuf Asnaaji (raaciga) iyo Maxamuud Malow oo ahaa Kirish-boygii gaadhiga.

Top


Bayaan Beesha Muuse Dheriyo.

Anagoo ah Suldaanka, wax-garadka iyo dhallinyarada beesha Muuse Dheriyo ee (Gabooye) waxaanu u soo jeedinaynaa Salaadiinta iyo waxgaradka beesha Gabooye dhammaantood inay beeshu ka wada tashato tafaraaruqa foosha xun ee ku habsaday beesha Gabooye, isla markaana ay u soo jeestaan sidii ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen danta beesha, dhiiri geliyaan oo ay tageeraan wax kasta oo u soo kordha beesha, isla markaana u doodaan wixii xuquuq ka maqan beesha si ay beeshu u gaadho yoolkeeda ay higsanayso uguna fududaato sidii ay beeshu goob kasta iyo gole kasta ay uga dhex muuqan lahayd si wadajira u hambalyeeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ku daray golaha wasiirada xubno ka soo jeeda beesha oo looga fadhiyo waxtarka beesha inay intaa ka sii badiyaan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabi Ismaaciil,
Aadan Bashiir Aw Aadan
Aadan Jaamac Maxamed
Maxamuud Cabdi Ismaaciil
C/Laahi Ismaaciil Jaamac
Sheekh Cali Mooge Buuni.

Top


Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Iska Bahaysanaya Dhinaca Siyaasada.

Hargeysa (Haatuf): Kulamo ay wada yeesheen xisbiyada KULMIYE iyo UCID badhtamihii toddobaadkii hore ayaa la sheegay in ay isu bahaysteen qodobo ay ka mid yihiin sidii doorashada Baarlamaanka loosoo dedejin lahaa, inkastoo aan daboolka laga qaadin haddana waxay sheegayaan xogo ku dhaw-dhawi inay gaadheen qodobo door ah oo ay siyaasad ahaan ka midaysan yihiin, qodobadaa oo ay ka mid ahaayeen:

In doorashada Baarlamaanka lagu qabto muddo sideed bilood gudahood oo ay ku jirto bishii June ee lasoo dhaafay.

In aragti midaysan ay ka yeeshaan shirka kooxaha Somalida uga socda dalka Kenya guddi wadajir ahna ay u saaraan oo go’aan ka gaadha.
In ay guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Axmed Aadan Qaybe u yeedhaan si ay wax uga weydiiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, waxa kale oo ay isla soo qaadeen inay Md. Qaybe ka dalbadaan inuu soo diyaariyo qorshe doorashada Baarlamaanka lagu soo dedejinayo iyo inuu dhammaystiro xeerarka dhinacooda ku qabyada ah, maadaama uu guddoomiyaha Baarlamaanka yahay.

Labadan xisbi oo ah kuwii doorashada kula loolamay xisbiga talada haya ee UDUB ayaa dhowaanahanba baaqyo wadajira soo saarayay, taasoo loo malaynayo in afkaartooda siyaasadeed ee mucaaradnimo isku soo dhowaaday.

Sidoo kale, labada xisbi waxay ka madhan yihiin xukuumadda Madaxweyne Rayaale soo dhisay dhowaan, taasoo dadka qaar filayeen inu xukumad wadaaga soo dhisi doono madaxweynuhu, waxna ka siin doono dawladda xisbiyada KULMIYE iyo UCID. Iyadoo markii xisbiga UDUB oo keliya ay ku koobnaatay xukuumaddu ayaa la sheegay inay xisbiga KULMIYE soo dhoweeyeen arrintaa, si xisbigoodu u helo mucaaradad xoogan oo ay si wadajir ah isu kaashadaan.

Top


Sadaam Xuseen Oo Soo Diray Cajalad Uu Kaga Hadlayo Xaaladda Ciraaq.

Doha (Al_Jaziira): Telefishinka afka Carabiga ku hadla ee Al-Jazera, ayaa sii daayay cajalad dhagaysi ah oo ay sheegtay in uu soo duubay hogaamiyihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein.

Al-Jazeera, waxay sheegtay in fariintan la duubay 14-kii June, lix todobaad kadib markii madaxwaynaha Maraykanka George W Bush uu ku dhawaaqay in wajigii hore ee dagaalku uu dhamaaday.

Saddam Hussein, waxaa cajaladan la sheegay in uu ku yidhi Waan noolahay oo waan caafimaad qabaa, waxaana ku dhex noolahay dadka Ciraaq.

Saddam Hussein, wuxuu sheegay in uu xilka isaga degay si aanu u noqon dabadhilif Maraykan, isagoo intaasi ku daray in uu socdo halgan ballaaran oo dadka Ciraaq ay kaga soo horjeedaan haysashada Maraykanka, waxaana uu ugu baaqay dadwaynaha Ciraaq in ay difaacaan dagaalyahaniinta u halgamaysa.

Cajaladan, ayaa ku soo beegantay sii daynteeda xilli sarkaal Maraykanka ugu sareeya ee Ciraaq, Paul Bremer uu ku dhawaaqay in 25 million oo doolar lagu abaalmarinayo cidii keenta warar lagu soo qaban karo Saddam Hussein.

15 million oo doolar, ayaa sidoo kale loogu ballanqaaday cidii keentay wararka ku saabsan halka ay ku sugan yihiin labada wiil ee Saddam Hussein, Uday iyo Qusay.

Tifaftiraha telefishinka Al-Jazeera, Ibrahim Hilal, ayaa sheegay in maanta telefoon loo soo diray, oo la maqashiiyay cajaladda kadibna ay telefoonka ka duubeen.

Top


Urur Goboleedka Afrikada Galbeed Oo Ciidamo Nabad Ilaalina U Diraya Liberia.

Urur Goboleeda Galbeedka Afrika, ECOWAS, ayaa ku heshiiyey in ay seddex kun oo aski ay ku daraan ciidamada nabad ilaalinta ee Liberia.

Hase yeeshee, heshiiskan waxaa kale oo ku jira codsi dowladda Mareykanka loo jeediyay oo ah in ay door hogaamineed ka qaadato howlgalkan nabad ilaalineed.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleeda Galbeedka Africka Galbeed, ee ECOWAS, Maxammed Ibn Chambas ayaa u sheegay BBC-da in ciidamadu ay uga baahnaan doonaan dalalka dibadda saad iyo taageero xagga maaliyada ah, haddii la doonayo in ciidamadaasi ay si dhaqso ah ku howlgalaan oo ay nabad uga keenaan shacabka Liberia.

Dhanka kale, Saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay in Madaxweyne Bush aanu wali go'aan ka qaadan in ciidamo Mareykanka ah loo diro Liberiya.
Hase yeeshee waxaa loo dirayaa dalka Liberia qubaro ka tirsan ciidamada Mareykanka si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda ka jirta dalkaasi.

Madaxweynaha Liberia, Charles Taylor oo uu caalamku cadaadis weyn ku saaray in uu jagada isga dego, ayaa isna sheegay in aanu dalka ka tagi doonin ilaa iyo inta ay ka imaanayaan ciidamada Nabad ilaalinta Maraykanka. 

Top


Madaxweynaha Pakistan Oo Cambaareeyey Weerar Lagu Qaaday Masaajid.

Madaxweynaha Pakistan, Pervez Musharraf ayaa sheegay in dowladdiisu aanay nasan doonin ilaa iyo inta ay ka baabin'ayso dadkii masuulka ka ahaa weerarkii Jimcihii lagu qaaday Masjidka Shiicada.

Halkaana waxaa lagu dilay in ka badan afartan iyo shan qof ka dib markii seddex nin oo hubeysan ay soo weerareen masjidkan shiicadu ku leedahay magaalada Quetta, rasaasna ooda kaga qaadeen dadkii tunayey salaada Jimcaha.

Madaweyne Musharraf oo ka hadlay magaalada Islamabad ka dib markii uu ka soo noqoday booqasho uu seddex todobaad dibadda uga maqnaa.

Hadalkiisana waxaa uu ku sheegay in dadka geystay weeraraas ay ahaayeen argagixiso xagga diinta ah,una soo ho'yihiin sharaf xumo diinta Islaamka iyo dalka Pakistan.

Weerarka masjidka ka dib, waxaa dhacay mudaaharaadyo rabsho wata oo ay isku soo baxeen boqolaal shiico ah wadooyinka, iyagoo ku eedeynaya ururka muslimiinta sunniga ah in ay isagu weerarkaa ka danbeeyo.

Top


Bush Oo Ka Hadlay Dagaalka Uu Kula Jiro Argagixisada.

Madaxweyne Bush ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay wali dagaal kula jirto argagixisada caalamiga ah.

Madaxweynaha oo qudubad u jeedinaya dad calama lulaya oo u dabaaldagaya maalinta madaxbanaadiga Mareykanka ayaa sheegay haddii aanay dowladda Mareykanku gacan toos ah ku yeelan arrimaha dunidda, wax ka soo horjeesta la hilmaayo kiligood taliyeyaasha, oo malaayiin dad ah ayaa ku noolaan doona nolol ay naxariis kaga sugaan argagixisada.

Madaxweyne Bush waxaa uu intaa ku daray,Kooxdii ama dowladdii qatar galiysa dowladda Mareykanka in weerar lagu qaadi doono.

Madaxweynuhu si toos ah ugama hadlin Ciraaq. Hase yeeshee markii Madaxweyne Bush uu khudbadiisa jeedinayay ayaa qubarada ciidanka Sirta ee CIA-da waxay waxay ku howlanaayeen cajalad dhageysi ah oo laga sii daayey Telefishka Carabiga ku hadla ee Aljazeera.

Cajaladaas oo la sheegay in ay siday Fariin uu soo duubay bishii hore Saddaam Xusseen.

Ninka cajalada ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay, in uu ku noolyahay Ciraaq, uuna u geysan doono, waxa uu ku sheegay gaalada dalkiisa xoogga ku qabsatay, dhibaato wayn oo waayo socota.

Top


Dagaal markale maanta ku dhexmaray Kismaayo ciidamo taagersan Barre Hiiraale iyo talyahiisa ciidamada isbahaysigadooxada Juba.

Dagaalkan maanta dhacay ayaa wararku sheegayan in uu ku lugleeyahay dagaalkii shalay dhexmaray malayshiyada mareexanka iuyo kuwa gaaljecelka ah dagaalkaas ooay shalay ku dhinteen 9 qof 18 qof oo kalena way ku dhaawacmeen sida ay ii xaqiijiyeendad degan kismaayo oo aan khadkaraadyaha fooneyaha loo yaqaan aan kula xidhiidhay kismaayo dagaalkan maanata dhacay ayaan maranaba lafilayn inkasta oo labada dhinac afar qof ku dhaawac meen hadana siyaasad ahaan waxaay dhaawac weyn ku tahay heshiiskii dhex maray isbahaysiga talyaha ciidamada isbahaysiga oo isagu ka soo jeeda beesha cayrka ayaa wararku sheegayaan in uu ka xanaaqay sida shalay loogu awood sheegtay malayshiyadii gaaljecelka ahayd hadaba daka u kuurgala siyaasada waxay sheegayan hadaan si dhaqso leh wax looga qaban, dagaalkan khilaafka dhaliyay oo uu noqon karo in ay u sahasho, weerarka uu damacsan yahay jan: Morgan in uu ku soo qaado Kismaayo taasoo ay noqon karto hadii ay coloobaan daka isbahaeysiga kuwada jira iyo deegaanka ay keeni karto bur bur iyo kala tag.

Top


Ururada Bulshada Reer Muqdisho Oo Bilaabay Abaabul Xoojinta Nabadda Ah.

Muqdisho (Haatuf): Waxaa baryahaan magaalada muqdisho ka socaday abaabul iyo yihiin bulshada rayidka oo ay ku midoobeen si an ugu kuur galo arimahaan waxa wareysi kala yeeshay agaasimaha hay ada la yidhaahdo tubta nabada MR C/laahi maxamewd shirwac weriyaha Haatuf ee magaalada Muqdisho Yaasiim Maxamed, ugu horeyn waxa uu waydiiyay in uu wax ka sheego ururadaaan isku tagay waxa ay yihiin n waxaana uu ku jawaabay.

“Waxii ka horeeyay 16-kii may waxaa magaaladda ka jniray hay ado aad u fara badan ku bulsho iyo kuj sdiyaaso iyo kuwa ciidan iyo kuwa dhaqaalae kuwaasoo dhamaantood oo si goono gooni ah oo laheyn iskashi iyo wadas shaqeyn iyo nabad galyo aan baraamij laheyn markii la smeeya barnaamijkaanwaxaa abuurmay in kooxina aanay keligeed nabadgelyo keeni Karin in layskaashado qodobkaa kale waxaa lafaymay in cid lagu haleeyo nabadgelyo darida manta jirta qofkastoo mas’uuliyad ka saarantahay gaar ahaan ku qoryaha sita qabaa’ilka ay ka dhasheen marka waxaa mabdi’iyan la goostaay in loo wada tashado in lagu soo celiyo nabadgelyada magaalada muqdisho ilaa hada hay’adaha arinta ka wada shaqeynayaana marka laysku daro waxay gaadhayaan 48 hay adood oo isku jira culimo, odayaal, dhaqameed, dhalinyaro, xirfadlayaal iyo haween waxayna heshiis ku yihiin in horta war is-dhaafsi dhexmaro qolo waliba waxa ay qabanayso waxay aminsantahay dareenkooda tan labaad xagii nabadgelyo darada layska kaashado. tan sadaxaad wax qabad loo wada dhanyahay, tan afaaad kharashka ku baxayo in layska kaashado markaa waxaan samynay xidhiidhin guud, ma jirto hay’ad oo madaxweyne leh oo lagu kala danbeeyo ma jirto, balse arinta waa dhaqaaq bulshoo oo nabadgelyo doon ah, dhaqaaqaani waxuu abuuray kalsooni bulshadii dhexmarta waxuu ku talabsaday dhawr arimood waxaa uu sameeyay shaqo joogin sodaal nabadeed, deegaameen dagmooyinka oo ay dadku hoos ka midoobaan howl caynkaa waxaa wada dalada la yidhaahdo kogwa.

Waxa kaloo lagu guulaystay in la sameeyo dugsiyad wacyi galin balaadhan qayb-walba waxaaa hada ka hor sameynay bisii hore shanteedi shaqo joojin lixdeedi waxaan samaynay ambiil aan leenahay dowlada soomaaliyee ee lagu dhisayo imbagaati ugu badnaan 170 in uu noqdo barlamaanka wasiiradyduna 12/13 anaga oo taa u arkeyna dhaqaal ahaan in la qaadi Karin farsama ahaan in ay go’aan gaadhaan adag tahay 100 wasiir ay adagtahy caqli ay ku fadhidaa ma jirto hadaa toban wasiir samaysane qabaailka waad uqaybinkartaa hadii tirada labadiya khilaaf ayaad kordhinaysa dhaqaaqaan bulshada rayidka waxuu taageersan yahay in shirkaas guul ku dhamaado waxuu kaloo taageersan yahay dadaal kasta oo nabad lagu dhalin karo cidii wadana waxuu ka tirsanyahay bulshada rayidka cid siyaasadeed iyo mamul deganada Somalia ka jira ka soo horjeeda lid ku ma ahaa wanaaga ay sameynayaan waa ayidaa, waana tageersanyahay bari waxan samynayna shaqo joojin Khamiistana banaan bax balaadhan ayaan samaynaynaa oo aan ugu baroor diiqayno dhakhtarkii la dilay dr xuseen maxamed nuur oo gacan ka gardaran ay dishay waan u tacsiyaynayaa eheladii u ka dhintay wana ku daba joogna sidii maxkamad loo soo saari lahaa” mar aan wax ka waydiiyay in khilaaf ka dhex jjra iyo inkale waxuu igu jawaabay “nabada aan ku shaqayno waxaa weeye wixii aan ka midaysanahay oo aanaan isku diidaneyen.

Top


Qodobada Heshiiska Kooxaha Soomaalida Ee Shirka Nayroobi.

Nairobi (W. Wararka) - Shirka dib u heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, ayaa habeen hore fiidkii laga soo saaray qoraal ay ku sheegayaan in Heshiis ay isla gaahdeen halkaasina ay ku saxeeexeen.

Heshiiskaasi, ayaa qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ahaa sida la sheegay in la qaato Nidaam Federaal ah, Qaabkii iyo xiligii la fulin lahaa Habka Federaalka ah iyo xidhiidhka Dastuuiga ah ee ka dhaxaynaya Dowladda Federaaliga ah iyo Maamulada hadda jira, iyo sidoo kale tirada xubnaha Baarlamaanka.

Sida heshiisku dhigayo Soomaaliya, waxay qaadan doontaa hab dowladeed ku dhisan nidaamka Federaal-ka. Guddi Federal ah, ayaa lagu samayn doonaa muddo sagaashan cisho ah gudahood, oo ka bilaabmi doonta maalinta la sameeyo dowlad federal ah si loo dhamaystiro hab socodka federalnimada oo la gaadhsiiyo ama lagu baahiyo Soomaalida oo dhan, iyadoo la isku raaci doono Baarlamaan Ku-meelgaadh ah oo Federal ah oo ay Soomaaliya yeelato.

Waxaa la samayn doonaa wasiir u qaybsanaan doona arrimaha Federalka iyo Dastuurka.

Hadii ay dowladda Federalku ka baaqsato in ay ku dhamaystirto Hab-Socodka Federalnimada Soomaaliya muddadii loogu talogalay oo ah laba sano iyo bar. Markaas baarlamaanka Federalka ee Ku-meelgaadhka ahi, waxaa uu la noqon doonaa taageeradii kalsoonida ee uu siinayay Dowladda Federalka Ku-meelgaadhka ah. Waxaana ay taasi keeni doontaa samaynta dowlad cusub oo Federal ah oo ku meelgaadh ah, oo howshaas Federalnimada ku dhamaystirta muddo sanad ah.

Axdiga ama Sharciga Ku-meelgaadhka ee Federalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa uu aqoosan doonaa jiritaanka Dowladdo-Goboleedyada iyo gobolada leh maamulada isxukunka gudaha ah, waxaanay u shaqayn doonaan sida ay haatan yihiin ee ay u dhisan yihiin.

Dowladda Federalka ee Ku-meelgaadhka ahina, waxaa ay ka gargaari doontaa Goboladaas xagga horumarinta.

Dowladda Federalka Ku-meelgaadhku, waxaa ay durbadiiba bilaabi doontaa wadahadalo ay la yeelan doonto Somaliland.

Dowladda Ku-meelgaadhka ahi, waxay ballaadhin doontaa Gobolada iyo Degmooyinka madaxa bannaan ee isxukunka hoose leh si ay u yeeshaan Qaab-dhismeed Federal ah.

Magaca rasmiga ah ee Dowlad-Qarameedka Soomaaliya, waxaa uu noqon doonaa; Dowladda Federalka ah ee Ku-Meelgaadhka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaab-Dhismeedka Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Markii ay muddo dheer ka wadahadlayeen, kana doodayeen hogaamiyayaasha Guddiyadu, waxaa ay goosteen in Qaab-dhismeedka Dowladda Federalka ee Ku-Meelgaadhka ahi uu noqon doono sidatan:

Dowladda Federalka ee Ku-Meelgaadh ee Soomaaliya, waxaa ay yeelan doontaa Hab_Baarlamaani ah oo uu Baarlamaankaasi dooran doono madaxwaynaha; Madaxwaynuhuna, waxaa uu markaas magacaabi doonaa Ra'iisul Wasaaraha.

Waxaa la samayn doonaa sadex Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiiro, iyo sidoo kale Wasiiro taageerayaal ah ama Gacanyare ah.

Ra'iisul Wasaare Ku-Xige kastaaba, waxaa uu yeelan doonaa jago Wasiirnimo, waxaanuu dusha kala socon doonaa howlahooda, Wasaarado ka shaqayn doona arrimaha Siyaasadda, Bulshada iyo Dhaqaalaha.
Howlaha ay Wasiiradaasi qaban doonaanna waxaa si cad loogu qeexi doonaa sharci arrintaasi ku saabsan.

Baarlamaanka.

Baarlamaanku, waxaa uu yeelan doonaa Sadex Boqol iyo Kow iyo Konton (351) Xubnood, muddada uu shaqayn doonaana waa afar (4) sano.

Xubnaha Baarlamaanka, waxaa dooran doona hogaamiyayaasha siyaasadda oo ah kuwii saxeexay Heshiiskii Xabadjoojinta ee magaalada Eldoret lagu saxeexay 27-kii bishii October ee sanadkii 2002-da iyo siyaasiyiintii haatan ka hor uu sida rasmiga ah u martiqaaday Guddiga Farsamadu, isagoo la tashanaya hogaamiye dhaqameedyada.

Qodobada kale ee laga hadlay waxaa ka mid ah:

1. In la sameeyo Baarlamaan ka kooban aqal kaliya.

2. Dumarku waxaa ay yeelan doonaan 12%.

3. Qof kasta oo Soomaali u dhashay, waxaa uu ahaan doonaa Muwaadin Soomaali ah.

4. Soomaaliga Muwaadinka ahi, waxaa uu yeelan karaa ama uu qaadan karaa Jinsiyadda Soomaalida iyo mid kale.

5. Waxaa jiri doona sharci qeexi doona qodobo kale oo ku saabsan Helista iyo Waayista Jinsiyadda ama wadaninimada Soomaalida.

Arrinta ku saabsan afafka rasmiga ah ee Soomaaliya, waxaa lagu heshiiyay laba qodob:

Afsoomaaliga, oo u qaybsan (Maay iyo Maxaa tidhi), waxaa uu noqon doonaa afka rasmiga ah ee Dowladda Federalka ah ee Ku-Meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Afafka Carabiga iyo Ingiriisiguna, waxay noqon doonaan afafka labaad ee rasmiga ah.

Balse waxa markiiba soo baxay dhinacyo ka soo hor jeeda hirgelinta heshiiskan oo ay ka midyihiin c/Qaasim salaad xasan oo sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo heshiiskan, waxaanu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi maalintii shalay.

Sidoo kale waxa heshiiskan ka soo horjeestay Muuse suudi yalaxaw oo qodobada heshiiskaan ku tikmaamay qaar aan u cuntamayn xaalada soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee heshiiskan shalay la sheegay in la gaadhay waxa uu ahaa mid lama filaan ah oo aan rajo laga qabin maalmo ka hor.

Top


Kenya Oo Xayiraadii Ka Qaaday Diyaaradaha U Duulaya Soomaaliya.

Nairobi (W. Wararka) - Xayiraadihii horay loogu soo rogay diyaaradaha Soomaliya u duula iyo kuwa ka yimaadaba ayaa dowlada Kenya waxay sheegtay in ay hadda fasaxday, oo ay xanibaadii ka qaaday.

Warkan oo si rasmi ah uu ugu dhawaaqay Wasiirka Arimaha Amniga ee Kenya Chris Murungaru ayaa waxa lagu sheegay in diyaaradaha Soomaliya aada ay duulimaadyadooda bilaabi karaan maalinta salaasada ah.

Arinkan ayaa waxaa soo dhoweeyay Soomali badan gaar ahaan ganacsatada qaadka ka baayacmushtarta oo iyagu saamayn weyn ay ku yeeshay xayiraadan diyaaradaha lagu soo rogay, sidoo kale waxaa si weyn amuurtan u soo dhoweeyay hay'adaha samafalka ee ka howgala dalaka Soomaliya.

Hay'adaha samafalka ayaa ayaamahamba iyagu waxa ay ka qaylinayeen in la soo celiyo duulimaadyadooda, waxaynsa sheegeen in uu dhaawac ku yimid howlihii gargaarka ahaa ee laga waday Soomaliya.

Kenya ayaa hore waxa ay u joojisay duulimaadyadii Soomaliya iyadoo markaasi sheegtay in ay ka hortagayso argagaxisada.

Top


Dumar Isbiimeeyey Oo Moosko Ku Dilay 15 Qof.

Mosko (W.Wararka) - Laba haween ah oo isbiimeeyey ayaa magaalada Moscow ku dilay ugu yaraan shan iyo toban qof, waxayna dhaawaceen in ka badan lixdan qof, ka dib markii ay naftooda ku qarxiyeen meel lagu qabanayey heeso oo banaan aheyd.

Isbiimeeyeyaasha oo dumar ahaa ayaa waxay bomkooda ku soo xidheen suuman ugu xidhnaa dhexda, waxayna qaraxyada u dhexayay dhowr daqiiqadood oo kaliya, ka dib markii ciidamada amaanku ay ku joojiyeen mid ka mid ah isbiimeeyeyaasha irirda halka heesaha laga qaadayey.
Maamulka Ruushku ayaa waxaa uu ku eedeeyey weeraradaa dagaalyahanada Jejniya ee ka soo horjeeda qorshaha doorashooyin madaxtinimo looga qabanayo Jejniya bisha Oktober.

Afhayeen u halday hogaamiyaha mucaaradka JEjniya, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqooda uuna lug ku laheyn weeraradan ugu danbeeyay ee lagu qaaday Moskow.

Top


Tony Blair Oo Eedayn U Soo Jeediyey BBC-Da.

London (W. Wararka) - Ra'iisal Wasaaraha Britain, Tony Blair ayaa dalbaday in BBC-du ay ka noqoto warbixin ay ku sheegtay in xafiiskiisu uu buunbuuniyey khatarta ka imaan karta hubka sida baahsan wax u gumaada ee Ciraaq markii uu soo dhawaa dalgaalka Ciraaq.

Ra'iisal wasaaraha oo wareysi siiyay wargeyska The Observer ayaa sheegay in warbixinta BBC-du ay aheyd mid been abuur ah oo ay u dhiganto weerar xun oo lagu qaaday sharaftiisa.

Warbixintan oo ay BBC-du sii daysay dabayaaqadii bishii May, ayaa lagu saleeyey wareysi ay BBC-du la yeelatay qof aan isa sheegin oo ka tirsan ciidanka sirta ee Britain.

Wareysigaasi waxaa uu qofku ku sheegay in dowladdu ay wax ku dartay xog sir ah inta ayna dadka u sheegin.

Wararkan Mr. Blair ayaa soo baxay, iyadoo Agaaasimaha Guud ee BBC-da Greg Dyke uu isku diyaarinayo in uu murankan kala xaajoodo guddiga BBCda ugu sareeya oo uu maanta kulan la leeyahay.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA Baarlamaanku Ha Ka Fiirsado Ansixinta 42 Wasiir.

Waxa maalintii bisha Juulay 3deeda madaxwayne Daaahir Riyaale Kahin soo dhamaystiray golahiisii xukuumadda cusub, golaahaas oo muddo bil iyo badh ka badan ay dadweynaha reer soomaliland u dheg taagayeen bal sida uu noqon doono, isaga oo Madaxwaynahuna hore umadda ugu balan qaaday in uu golahaasi noqon doono mid ka duwan golayaashii hore oo tayo ku sifoobay.

Ugu horaynba markii ay madaxwaynaha ku qaadatay muddo bil iyo badh ka badan in uu ku soo dhiso gole xukuumadeed, isaga oo waliba ku yimi madaxwaynahu qaab doorasho oo dimoqraadi ah, su’aallo badani hakaba jireen qaabkii loo maamulay doorashadaase, ayaa waxa dad badan oo markii hore ku tuhmayay madaxwaynaha karti u cadaatay in odayga loo cumaamaday xilka ugu sareeya qaranku uu yahay mid lagu hungoobay.

Sida iska cad golahan xukuumada cusub ee ka kooban 42 wasiir ma aha mid tayona lagu tilmaami karo, ummaduna ay uba fadhiday in gole xukuumadeed oo tiro intaas leeg uu wadanku qaadi karo wakhtigan. Tayo laguma sheegi karo golahan oo intooda badani waxa ay ka tirsanayeen golahii xukuumadii doorashada ka horeysay ee qabiilka ku dhisnaa kuwaas oo aanay ummadu uga baran karti waxqabad, hawlkarnimo iyo tayo ay bulsho ku hogaamiyaan.

Hadaba inaga oo og xaalka dhaqaale ee wadanka iyo sida loo maamulo dakhliga kooban ee soo gala dalka, inaga oo og in shaqaalaha wasaaradaha mushaharkooda loogu kaltamo cashuurta yar ee jaadka ee ku soo xaroota kastamka Gabiilay, sidee ayay Daahir iyo xertiisu ku gaadheen in ay gole xukuumadeed oo intaas leeg soo saaraan?

Golahani ma aha xal oo marka koobaad waa gole uu soo magaacabay madaxweyne lagu soo doortay qaab ‘dimoqraadi’ ah, ileyn hadii uu xal yahay waxa si miisaanka u dhow wax loogu qaybin lahaa beelaha dalka wada dega, beesha uu Madaxwaynahu ka dhashayna iskumay hesheen, tusaale ahaan, xilkii ugu sareeyay qaranka iyo 3 wasiir, oo aanay ka mid ahayn wasiiru dawlayaal. Marka labaadna ma aha gole ay cidi kaga jirto labadii xisbi ee mucaaradka ahaa oo ah mid lagu sifayn karo gole dib u hesiisiin qaran. Mana aha mid lagu soo doortay qaab cilmiyaysan oo ku salaysan awoodda dhaqaale ee dalka iyo qasnadaha madhan ee dawladda.

Su’aasha boqolka ahi waxa ay tahay sida madaxwaynahu ku gaadhay in uu gole 42 wasiir ka kooban soo magacaabo iyo dariiqada uu u maray magacaabistaa? Golahani xul ma aha, xal ma aha, gole dib u heshiisiin qarana ma aha ee Madaxwaynahu ma u sheegi karaa umadda waxa uu yahay?
Markii aan dhinacwalba ka eegay waxa uu iila muuqdaa aniga in uu golahani yahay mid aan waqtigan adag ee lagu jiro hogaamin karin umadan, runtiina u horseedikara wado aanan rabin in aan imika sii mala awaalo.

Gabagabadu waxa ay tahay maanta kubadu waxa ay la taalaa baarlamaanka, isaga oo maanta baarlamaanku marayo maalin taariikhi ah oo ay tahay in uu u hiiliyo ummadan ay inta ka badan tobanka sanno soo daashadeen xukuumado fadhiid ah, musuqmaasuq iyo maamulxumo. Baarlamaanku maanta ama baarlamaan umadiisa u hiiliyay ayuu noqondoonaa ama waxa uu noqon doonaa mid taariikhda ku gala gole sacab, oo hadba cida midhadh dheemaal ah u daadisa iska daba socda.

Baarlamaanka waxa la gudboon in uu Madaxwayne Rayaale u cadeeyo in wixii uu bil iyo badhka foolanayay uu noqday ilmo dhicis ah, oo umushii ku dhintay. Baarlamaanku waa in aanuu ansaxin gole xumuumadeed oo ka kooban 42 wasiir kuwaas oo aan xal, xul iyo gole dib u heshiisiin qaran midkoodna lagu tilmaami karin.

Yuusuf Cabdillaahi, Hargeisa, Somaliland. 

Top