Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 370 July 8, 2003

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulankii Ugu Horeeyey La Yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada, “Waxaa la inaga sugayaa waji cusub .. waxaanad noqondoontaan laba mid...” Madaxweyne Rayaale.

Dacwadda Lagu Soo Oogay Haatuf.

Xaalada xabsiga dhexe ee Berbera iyo burburka ka muuqda xabsigii mija caseeye, “warbixin- wariye liibaan M. Shire.”

Gudida ardayda Jaamacada Hargeysa oo Cadaysay in ururka Sovereda uu yahay Ng’o Madaxbanaan.

Ururka garyaqaanada Somaliland oo Cambaareeyey garyaqaan la xidhay.

“Dadka Ingiriiska laga soo celinayaa waa dad aan sharci haysan iyo qaar jeelasha ku dar xumaysan,” Waraysi-Dr. cumar Dixood.

Muuse Suudi Yalaxaw oo Gaashaanka ku Dhuftay heshiiska shirka Kenya: “Goaanada shirku maaha qaar Soomaalida u cuntamaya...”

Askarta maraykanka ee lagu laynayio Ciraaq oo ay tiradoodu sii kordhayso.

Madaxweynaha Laybeeriya Oo Ogolaaday Inuu Talada Ka Dego.

Sidee wararka shirka Soomaalida looga arkaa Muqdisho iyo Baydhabo?

Cabashada Qaadka iyo Mafrashyada.

Maxamed Cali Kalaay yuu u dhashay?

Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kaaf iyo kala dheeri.

Diirato nin Dagan Maweydo.


Madaxweynaha Somaliland Oo Kulankii Ugu Horeeyey La Yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada, “Waxaa la inaga sugayaa waji cusub .. waxaanad noqondoontaan laba mid...” Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Haatuf): shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan xubnaha xukuumada cusub ee uu madaxweyne Rayaale soo dhisay ayaa shalay ka dhacay xarnta Madaxtooyada ee Somaliland.

Kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan golaha wasiiradu tan iyo intii ka dambaysay doorashooyinkii madaxtinimada ayuu madaxweynuhu khud bad uga jeediyey xubnaha golaha wasiirada, isaga oo madaxweynuhu ka codsaday wasiirada inay diyaarsadaan qorshaha guud ee qaranka qaybta mid walba kaga aadan.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo soo saaray warsaxaafadeed arrintaa ku saabsan waxa uu u qornaa sidan:

“Shirkii golaha wasiirada ee ay yeesheen golaha wasiiradu marxaladan cusub ayuu madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin xarunta madaxtooyada ugu jeediyey hadal kooban oo isugu jiray guubaabo iyo balan qaadka cusub ee uu rabo inay ku hawlgalaan.

Mudane Rayaale waxa uu golahan ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhiya oo ah kii ugu horeeyey ee madaxweyne shacbigu uu toos u soo doortay uu xilka u egmado. Sidaa awgeed waxa la inaga sugayaa waji cusub oo hawl qabad, ku socda barnaamij qorshaysan oo xisaabtan leh, inaad ku hawl gashaan, waxaydun noqon doontaan laba mid, wax tare magac ku hela marxaladan cusub ama waxmatarayaal” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray oo uu faray wasaarad kasta inay diyaarsato qorshaha guud ee qaranka, qaybta kaga aadan, inay yeelato barnaamij hawlgalineed oo wakhti calaamadaysan leh oo lagu xisaabto, markastana la isweydiiyo maxaa inoo fulay iyo wixii fuli waayey, sababteeda in la helo. Aniga iyo ku xigeenkayga waxa naga go’aan ah barnaamij inaanu idinkula xisaabtano.

Mudane Rayaale waxa kale oo uu golaha xukuumadda ku guubaabiyey inay wada jir u wada shaqeeyan iyo inay isu arkaan rag isku mid ah oo isku ujeedo qudha wada leh, hawshana la isla tabantaabiyo, waxa kale oo uu sheegay in wasiirku uu muraayad u yahay wasaaradda isaga haddii la doondoonana hawshii hawl wadeenadii uu ku hogaaminayey aanay iyaguna shaqo qabanayn, sidaa awgeed wasiirku waa inuu hawlqabadka tusaale u noqdaa, xil gudashaduna ay habkii dhismaha wasaaradda ilaa hoose loogu kala aadan yahay la iskuna kormeeraa, waana inaad shacbigu idinka arkaa inaad ugu adeegaysaan cadaalad, sinaan iyo daacadnimo lilaahi ah.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu shirkaas ku soo qaaday hadalada ka soo yeedhaya Soomaalida ee ku waajahan Somaliland, wuxuuna cadeeyey inay qorshe ku aadan isaga iman doonaan. Wuxuu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, waxaan ilaahay inooga baryayaa inuu hawshan inagu garab galo,” ayuu afhayeenku ku soo gabagabeeyey warsaxaafadeedkiisa.

Top


Dacwadda Lagu Soo Oogay Haatuf.

Hargeysa (Haatuf): Waxa mar kale maalintii shalay ay maxkamadda degmada Hargeysa dhegaysatay dacwada lagu soo oogay ku simaha tifaftiraha Wargeyska Haatuf Siciid Ismaaciil Guraase, taas oo soo taxnayd tan iyo 25-kii bishii May ee ina dhaaftay, markaasoo uu Wargeyska Haatuf ku soo baxay war ka hadlayey wasiirka arrimaha gudaha oo kulan uu albaabku u xidhanyahay ugu waramay guddida joogtada ah ee golaha guurtida, kaas oo sababay in wasiirka arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddida joogtada ah ee guurtidu ay dacwad ku soo oogaan wargeyska Haatuf, tifaftirihiisa, iyada oo sabab looga dhigay, inuu isagu masuul ka ahaa, warka ku soo baxay wargeyska.

Inkasta oo uu wargeysku qoray qoraalo iyo warar beenin ah oo ay warkaa ka soo saareen wasiirka arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddida joogtada ah ee guurtidu, haddana dacwadaasi waa mid socota oo hortaala maxkamadda degmada dhegeysigii dacwada ee shalay ku simaha tifaftiraha Wargeyska ayaa maxkamada hor dhigay cadaymo iyo dood uu ku difaacayo dacwada lagu soo oogay, taas oo uu nuxurkeedu ahaa, sida uu wargeysku ama saxaafaduba ay ku hesho wararka oo ah laba nooc, kuwaas oo kala ah war ay goob joog ka tahay, saxaafadu oo isagu ah mid rasmi ah, iyo mid aanay goob joog ka ahayn saxaafadu, kaas oo ay saxaafadu ka xigato ilaha xog-ogaalka u ah, ama ku dhaw dhaw.

Warka noocaa ahi, sax iyo khaladba wuu yeelan karaa, waxaana u sabab ah goob joog la’aanta saxaafadda, isla markaana waxa ay saxaafadu u werisaa qaabka ah ilo ku dhawdhaw, ama xog-ogaal ah, iyada oo aan la xaqiijin, warka ka hadlayey, kulanka wasiirka iyo guddida joogtada ah ee guurtida, waxa uu ahaa noocaa dambe, waxaanu wargeysku ka soo xigtay ilo xog-ogaal u ahaa, kulankaasi, marka la eego qodobada loo cuskaday dacwada oo ah been abuur iyo kicin dadweyne, waxa uu Siciid Guraase sheegay in aanu asal ahaan warku been abuur ahayn, ee uu dhab yahay kulanka dhexmaray wasiirka iyo guddida joogtada ah ee guurtidu.

Isla markaana aanu ahayn kicin dadweyne ee ay dhabtahay, inay maalmahaa jireen xiisado ka dhashay go’aanadii ka soo baxay doorashadii madaxtinimada dalka. Iyada oo uu wasiirka arrimaha guduhuba qiray inay jireen kooxo dhalinyaro ah oo isku dayey inay qalalaase abuuraan, isla markaana ilaa haatan jiraan, maxaabiis arrimahaas ugu xidhan jeelka weyn ee Hargeysa.

Sidaa daraadeedna aanay jirin eedaha loo soo jeediyey, gabagabadii fadhigii shalay ee maxkamadda gudoomiyaha maxkamadu waxa uu mudeeyey 17-ka bishan in uu wargeysku hor keeno maxkamadda cadaymo dheeraad ah iyo markhaatiyada difaaca dacwadiisa.

Top


Xaalada xabsiga dhexe ee Berbera iyo burburka ka muuqda xabsigii mija caseeye, “warbixin- wariye liibaan M. Shire.”

Hargeysa (Haatuf): Dugsiga dhaqan celinta dhalaanka Maja-Case wuxuu berbera ka xigaa 49-Km dhinaca K/Bari, waxa la dhisay wakhtigii ay jirtay mustacmaradii Ingiriiska, waxa loogu talo-galay arday gaadhaysa 150 arday.

Dugsigan Maja-Case wuxuu dacal ka saaran yahay silsilada buuralayda Golis, wuxuu ku yaalaa meel beeralayda ah oo ay ka bixi jirtay timir, dhir waaweyna leh, Maja-Case waxa ka baxa geed leh midho macaan, sonkorta, geedkaas oo aan ka bixin dalka dalka intiisa kale, siday dad xog-ogaal ahi sheegeen loona yaqaan “Cabaas”.

Dhismaha dugsiga oo ah mid bur bur weyn qaba, wuxuu ka kooban yahay qaybo badan, kuwaas oo kala ah.

-Iskuul afar galaas iyo xafiis ah.
-Goob hurdo oo dhaw hool ah.
-Goob cuntada ay ku qaataan dhalinyaradu.
-Goob ay wax ku akhristaan oo laybareeri ooli jiray, ama buugag ay ooli jireen.
-Garoomadii ciyaaraha kala duwan iyo oradada.
-Ceel biyood leh dhawr barkadood oo kayd ahaan loogu talo-galay.
-Goob caafimaad oo u gaar ahayd dhalinyarada
-Beer weyn oo caan ku ahayd timirta, ayna ka bixi jirtay dhir weyn iyo khudrad.

Haddaba waxaas oo dhan ayaa ah kuwo burbur iyo dhaawac weyni ka soo gaadhay dagaaladii ay xoogagii SNM kula jireen maamulkii Milatariga ee Siyaad Barre.

Ilaa haddana aaney wax ka qaban maamuladii iska dambeeyey ee Somaliland.

Wax ka qabashada dugsiga dhaqan celinta dhalaanku waxay wax tar weyn u tahay boqolaal dhalinyaro ah oo aan qaan-gaadhin oo ku eedaysan dambiyo kuna jira xabsiyada dalka, kuwaas oo daryeel la’aana caafimaad xumo iyo adoonsi ku qaba xabsiyada dalka, ee ay ku jiraan maxaabiista kala duwan ee noocyada badan isugu jira.

Burburbka iyo dhaawaca dugsiga Maja-Case ayaa looga fadhiyaa xukuumadda iyo ganacsatda Somaliland inay gacan weyn ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa.

Dhinaca kale Xabsiga dhexe ee magaalada berbera wuxuu ku yaalaa meel u dhaw xeebta, dekeda, waxa la dhisay wakhtigii xukuumada turkiga ay Somaliland dagaalami jireen, wakhtigaa oo lagu qiyaaso dhamaadkii qarnigii 19aad ama bilawgii qarnigii 20aad.

Xabsigu waa mid inta badan burbursan, qaybo ka mid ahna laga qaxay baqdin laga qabo inuu maxaabiista ku soo dumo, waa meel aan lahayn musqulo oo maxaabiistu goolka ay ku jiraan dhexdiisa ay ku saxaroodaan, wuxuuna u qaybsamaa qaybta ragga iyo qaybta dumarka.

Xabsiga waxa ku jira waa wada dhalinyaro, inta badan waxa dul ahaan aadarkaysaa in ay daryeel la’aan ku jiraan, taliyaha ciidanka asluubta ee gobolka Saaxil Maxamed X. Ibraahim ayaa ka xog-waramay xaaladda guud ee xabsiga wuxuuna yidhi “Xabsiga waxa la dhisay xiligii Turkiga lala dagaalamayey, waa xabsi weyn oo taariikh ahaan, waxaana loogu talo-galay 150 maxbuus, xiligaa xagaaga inta muddada dheer waxa loo wareejin jiray xabsiyada Hargeysa, Mandheera, Burco, iyo Ceerigaabo”.

Taliyuhu isaga oo xabsiga gudihiisa ka hadlaya wuxuu mar kale yidhi “Xabsiga waxa wakhtigan ku xidhan 95 maxbuus oo 53-ka mmid ah maxaabiistu ay xukuman yihiin, 42ka kalena ay rumaan yihiin, dhawaan waxaanu Mandheera u wareejinay 23 maxbuus, meeshu way dumaysaa, oo wakhtiga roobka iyo dabaysha labadaba waa ii baqdin, inay maxaabiista ku dunto, wixii daawo ah waxaanu ka helnaa cusbitaalka Berbera, biyaha iyo laydhka degmada ayaanu ka helnaa, maxaabiista 7-ba ayaa dumar ah, wax carruur ahna ma hayno, ciidanka jeelku waa 50 askari oo 9-ka mid ahi ay dumar yihiin.

Kuwa rumaanka ah ee xidhan ma yeelno wakhtigiisa loogu talo-galay rumaan ahaan loo hayo inay dhaafto, wax ay qabtaan maxaabiistu ma jirto, hadday thaay waxbarasho iyo ciraaroba, ciidanku wuxuu u baahan yahay dirays isaga iyo maxbuuska lagu kala garto.

Waxaanu haynaa mid mid dilay iyo laba dil sugayaal xukun ah, maxaabiistu dirays malaha, waxa ay qaataan maxaabiistu saddex miil quurc, qado iyo casho, wakhtiyada booqashadu waa 6:30 subaxnimo ilaa 5:30 galabnimo, maalinta sabtida, kuwa xukuman ayaa la soo booqdaa, arbacadana kuwa rumaanka ah, laba qol baa dumarka loo hayaa markaa mid askarta dumarka ah ayaa seexda, sidaa darteed qol kale lagama maarmaan in la helo, hal maxbuus oo 5 sano ku xukuman ayaa ugu muddo dheer maxaabiista, ma jirto waxbarasho ay helaan, inta badana jeelku wuu dunsanyahay, mana jirto wax hay’addo ama cid kale oo noo timi”.

Xasan Saleebaan Cabdi oo sheegay in da’diisu tahay 16-jir ayaa xaaladiisa caafimaad wanaagsanayn, isaga oo korkiisu googo’ay, xaraarad awgeed, xaraaradaas oo inta badan maxaabiistu qabaan ayna ugu wacantahay kulaylka xeebta, wuxuuna Xasan Yare sheegay in gacanka hadal awgeed loo soo xidhay.

laba qol oo ka mid ah xabsiga kala gooni ah waxaan ku arkay laba nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo midna lugta ay silsilad weyni kaga xidhnayd, ka kalena gacan ay sidoo kale kaga xidhnay silsiladi, silsiladaas oo meelo sabado kale ah ku xidhan.

Wareega xabsiga gudaha waxaad arkaysaa meel biyo mareen ah oo ku wareegsan xabsiga dibadiisa, taas oo saxaro buuxisay, ka timid gudaha meelaha maxaabiista.

Daryeel la’aan weyn baa ka taagan xabsiga Berbera.

Top


Gudida ardayda Jaamacada Hargeysa oo Cadaysay in ururka Sovereda uu yahay Ng’o Madaxbanaan.

Shir ay ku yeesheen guddida ardayda Jaamacadda Hargeysa xafiiskooda 05/07/03,oo ay kaga hadlayeen qoraalo dhawaanahan ku soo noqnonoqonayey jaraa’idkaoo ku saabsanaa NGO-ga magaciisa loo soo gaabiyo SOVEREDO oo ay aasaaseen arday ka mid ah jaamacadda Hargeysa, taas oo muran ka dhex dhalisay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda, murankuna waxa uu yimid ka dib markii jaraa’idka Jamhuuriya si khalad ah u qoray in ururuku yahay mid ay ku bahoobeen ardayda Jaamacaddu, iyada oo ay timid in xubno ka tirsan guddida ardaydu jawaabo ka bixiyaan arrinkaas.

Haddaba guddida ardaydu markii ay si wada jira ugu kuur gashay arrinkaas isla markaana ay cadaatay in khaladka ay baahisay Jamhuuriya, balse ururku uu yahay mid ka madax banaan jaamacadda oo ay samaysteen arday ka tirsan Jaamacaddu waxay go’aan ku soo saareen sidan:

-In Ururka SOVEREDO uu yahay mid ka madax baaan Jaamacadda Hargeysa
-In loo tixgeliyo SOVEREDO sida NGO-yada madaxa banaan ee ka jira wadanka.
-In Guddida ardaydu taageerayso jiritaanka iyo waxqabadka SOVEREDO.
Go’aanka waxa si wada jira ah u soo saaray 17 xubnood ee guddida ardayda Jaamacadda Hargeysa oo kala ah sidan:

Cismaan Maxamed Axmed President
C/Naasir Cumar Suldaan Vice President
Sharmarke Axmed Ismaaciil Acadamic Officer
C/Raxmaan Aadan Shire Welfare & Service Officer
Mukhtaar Muuse Xasan Finance Officer
Jaamac Maxamed Cilmi Communication Officer
Maxamed Cabdi Jaamac Sports & Society Officer
C/Laahi Cumar Caalin Secretary
Bashiir Mire Jaamac Mp
Axmed Ismaaciil Daahir Mp
C/Shakuur Xasan Cabdi Mp
Maxamed Axmed Warsame Mp
Khadra Axmed Maxamed Mp
Muniira Cabdi Muxumed Mp
Ayaan Ismaaciil Muuse Mp
Axmed Maxamed Jaamac Mp
C/Raxmaan Xuseen Rooble
Hargeysa

Top


Ururka garyaqaanada Somaliland oo Cambaareeyey garyaqaan la xidhay.

Hargeysa (haatuf) ururka garyaqaanada Soomaaliland ayaa Cambaareyey xadhiga sida ay sheegeen lagula kacay gudoomiye ku xigeenka ururkaasi garyaqaan Jaamac cilmi xaashi 6/7/03.

Warsaxaafadeed uu ururku xalay nasoo gaadhsiiyay ayaanu sidaa ku cadeeyey kaasoo u qornaa sidan “ gudiga fulinta ee ururka qareenada soomaaliland shir degdeg ah oo ay ka yeesheen xadhiga gudoomiye ku xigeenka ururka garyaqaan Jaamac Cilmi xaashi oo lagu xidhay saldhiga dhexe ee Hargeysa 5- 6 dii bishan Julay ayna arkeen inuu xadhigasi xaqdaro ahaa waxaanay soo saareen go aanadan.

wuxuu cambaaraynayaa xadhga lagula kacay qareen Jaamac Cilmi xaashi
ururku wuxuu ugu baaqayaa madaxda qaranka ee ay arrintani khusayso nay talaabo kaqaadaan cidii xadhigani ka soo fulay.

Ururku wuxuu dacwad ku soo oogayaa cid kasta oo fulisay ama fududaysay jabinta Dastuurka dalka.

Magacyada xubnaha saxeexay ee ka tirsan gudida fulinta ee ururka qareenada Somaliland (SAL).

1-Qareen, Muuse ducaale diiriye gudoomiye
2- “ maxamad Siciid xirsi xubin
3- “ Foosi Sh. Yoonis Xubin
4- “ Yuusuf Ismaaciil cali xubin
5-C/raxmaan Ibraahim caalin xubin

Kahorna waxa qoraal uu arintan kaga hadlayo na soo gaadhsiiyay qareen Jaamac Cilmi Xirsi kaasoo uu ku socodsiiyay gudoomiyaha maxkamada sare waxa uu u qornaa sidan “anigoo ah Qareen Jaamac Cilmi Xaashi waxaan kula socodsiinayaa laga bilaabo maanta oo ah 07/07/2003 inaad isaga joogsato ka garnaqa gebi ahaan Dacwaddaha aan Qareenka ka ahay, adigoo Ciil-qab iyo Colaad kugu fogaatay ii muujiyey, anigoo warmooge ka ahaa Colaada aad ii qabtay, kaddib markaad ku xad gudubtay xorriyaddaydii aasaasiga ahayd shalay Makhribnimadii, mar aan soo raacnay aniga iyo Qareen Maxamed Jaamac Odayaal Dhaqameedkii jifada u ahaa xaaskaaga oo Aqalkayga iigu yimid, ujeedadooduna ay ahayd inay gabadhii aqalkeedii ay ku soo celiyaan sida dhaqanku yahay, anaguse socodkayagu wuxuu ahaa waa marka ugu horeysee inaanu Odayaashaa iskiin barno si aanay u dhicin isfaham la’aan, kadibna aniga si gaar ah aad I tustay Caddaawad gaar ah oo shaqsiyan aad ii qabtay.

Sidaa darteed, iyadoo aanan kalsooni ku qabin marnaba inta arrintaasi ay jirto, waxaan kula socodsiinayaa inaad isaga joogsato gebi ahaan Dacwadaha aan dhinaca ka ahay, anigoo ilaalinaya si aanay u lumin Xuquuqda Dhinaca aan Qareenka u ahay oo ay u helaan Garsoor ay ku qanacsan yihiin”

Top


“Dadka Ingiriiska laga soo celinayaa waa dad aan sharci haysan iyo qaar jeelasha ku dar xumaysan,” Waraysi-Dr. cumar Dixood.

London ( Haatuf) Ergeyga gaarka ah ee somaliland u magacawday ictiraaf doonka Dr.Cumar dixood ayaa ka hadlay heshiiska ay isla gaadheen Somaliland iyo dawlada ingiriisku ee ku saabsan dib u soocelintaqaxoontiga aan magangelyada laga siin ingiriiska talaabadasi oo uu ku tilmaamay mid hore u mar ah maar uu ka jawaabayey su’aalo uu arintaa kaweydiiyay C/ rasaaq Ibraahin xadhigle “arintaas markii aan maqalay aad iyo aad ayaan ugu farxay arin kani, waxay soo dhoweyneysaa ictiraafkii somaliland waayo waxa naloo qiray inaanu dalkayga ka talino oo ay dawladi jirto horena ingiriisku waynoola soo qaadeen” ayuu yidhi Dixood isga oo intaa ku daray. “ xukumada ingiriisku waxay shacab kayga siisay waraaqo sharci ah oo ay wadanka deganaasho rasmi ah kaga helayaan qaar ka mid ahna, la siiyey dhalashada ingiriiska arinkani waa hawl oo noo soo joojinaya hogaamiyaha ingiriiska iyo dawladiisba iyaga oo arimaha somalialnd il gaar ah ku eegaya” isaga oo ka hadlaya dadka lasoo celinayaa kuwa ay yihiin waxa uu yidh “ dadka la rabo in la soo ciliyo waxa weeye dad aan sharci lahayn oo qaar ka mid ahina ay xabsiyada ingiriiska ku darxumaysan yihiin oo aan filayo inay somalialnd u dhaamayso.”

Mar uu sigaar ah uga hadlayey marxalada ay Somaliland marayso waxa uu shaagay inay haatan soo jiidatay indhaha caalamka “ayaamahan waxa jira in shacabka somaliland ay gacmaha is qabsadeen doorashooyinkii madaxtooyada ka dib doorashadaas siday u dhacday iyo khilaafkii ka dib sida loo maareeyay oo ah mid taariikhi ah waxaad moodaa in aduunku il gaar ah ku eegayaan somalialnd hadaba waxa jira qof kasta oo shacabka somalialnd ah oo ku nool ingiriiska waxay aad iyo aad uga codsanayaan golaha xukuumada iyo labada gole qaran inay dedejiyaan waxa ka dhiman doorashooyinkii baarlmaanka arinkaas oo qaar badan oo bulshada aan la sheekaysatay ay sheegayaan in la dhamays tiro dimoqraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday jamhuriyada Somaliland” ayuu yidhi.

Dr Dixood mar uu ka hadlayey shirka dib u heshiisinta ee kenya uga socda Soomaalida waxa uu sheegay in shirkaasi uu khuseeyo shacabka reer koonfureed marka ay wax samaystaana ayaanu ka wada hadlaynaa derisnimo wanaag iyo anaga oo laba wadan ah oo walalo ahayuu yidhi dr duhood isaga oo ku afeeftay “hadii shirkaa laysku wada qaado somalia oo dhan waxan u arkaa, in mar danbe la doonayo in somalia iyo somalialnd dagaal ka bilaabmo XAMAR WAXANU GEYNAY MALAB, LIXDANKII MAANTASE HADII SHIRKA LA MARIN HABAABIYO XABAD AYAANU GEYNAYNAA” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Dr Dixood.

Top


Muuse Suudi Yalaxaw oo Gaashaanka ku Dhuftay heshiiska shirka Kenya: “Goaanada shirku maaha qaar Soomaalida u cuntamaya...”

Muqdisho ( Haatuf) Muuse Suudi yalaxow ayaa shir saxaafadeed ku qabtay xaruntiisa magaalada muqdisho isaga oo sheegay in uu mabda ahaan uu waa faqsan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uga socda magaalada inbagati balse aanu ku qanacsaneyn qodobadii lagu gaadhay shirka inbagati , gaar ahaana qodobka ku aadan tirada barlamaanka oo uu sheegay in ayna suurta gal aheyn, 351 mudane,waxaana uu sheegay in uu ku talinayo inaanan xubnaha barlamanku aanu kabadan 100 ilaa iyo140 mudane iyadoo lagu soo xulayo kuwa dalka wax u taraya danahoodana fulin kara.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamad (Yaasiin Canjeex) oo goob-joog ka ahaa shir-jaraa’id oo uu Muuse suudi yalaxaw ku qabtay xaruntiisa Muqdisho “Shalay go,aamadii la gaadhay ayaan ka hadlayaa qodobka 3-aad wax umada soomaaliyeed u qalma ma aha, wax loo dhan yahayna ma aha, hogaamiyayaal wax didi kara waxna ogolaankara ayaa ka maqan, waxaan rabnaa ninkii odhan lahaa halkaasi anigaa ka fulin kara oo anaa fulinaya ha la inoo keeno, waa lagu xisaabtamaa runtaan sheegayaa,” ayuu yidhi Yalaxaw .

Waxaanu Muuse Suudi intaa sii raaciyay, in ujeedada laga lahaa go,aanadii lagu gaadhay inbagati ay tahay, in madaxda afrika shir ay ku yelanayaan musanbiik ay tahay in la hor geeyo warqad lagu sheegayo waa sida uu hadalka uu u yidhiye in ay soomaalida ay ku hashiiyeen go,aano mu hiim ah.

“tani ma aha in qof la taabto oo uu iimari yidhaahdo, waxaana iman doonta oo aan kasii digaynaa, hadii ay timaadana in aanan marnaba ku waafaqsaneyn, ama meesha aan jirno ama inta aan joogno aniga, mar uun madaxweyne I dheh, dadka inta layaqaano la yidhaahdo iisaxeex, waxaanan laga tashan qofkii keena meel walba waan kaga soo hor jeesan doonaa’ ayuu yidhi Muuse Suudi.

mar Muuse Suudi la weydiyay su'aal ahaeyd in ay somali land kujirto shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed iyo in kale waxa uu muuse ku jawaabay, “Somali land in ay shirka timaado ama ay diido anigu sideedaba waxa aan racsanahay waa in ay timado shirka, hadii ay doonto iyada madax weyne halaga dhigo, laakiin in uu dalka kala go’o ma aha hadii lagu hashiiyo in ay madaxweyne laga dhigo, anaga runta ayaan sheegaynaa hadii uuxalku ku jiro in somali land ka noqoto oo ay ku qancayso si aanu dalku u kala go, in waan u tanaasulaynaa.”

Dhanka kale waxaa uu muuse suudi uu saadaaliyay in shirka inbagati uu qaadan doono afar sano oo kale hadii aanan lagu hashiin wax aanan la isla meel dhigin, tan iyo markii kooxa somaalidu ee ku shirsan inbagati ay ku hashiyeen qodbo loo arko In ay guul u yihiin shirka ayaa waxaa soo baxayey cabashooyin iyo cadho ka imanaysay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha iyo ururada bulshada oo saluugay hanaanka uu shirku u socdo oo lix bilood iyo kow iyo labatan malmood haatan maraya.

Top


Askarta maraykanka ee lagu laynayio Ciraaq oo ay tiradoodu sii kordhayso.

Baqdaad ( W.Wararka)Laba askari oo Mareykan ah iyo nin Ciraaqi ah ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo lagu qaaday askar Mareykan ah oo howl ilaalo ah ah ka waday magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay ciidamada Mareykanka ee ku sugan ciraaq ayaa sheegay in askariga ugu horeeyay uu dhintay ka dib markii ay xabado ku fureen dablay hubaysani.

rasaastii halkaa ka bilaabatay ayaa la sheegayaa in ciidamada Mareykanku iyaguna ay ku dileen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, mid kalena ay dhaawaceen.

Meel kale ayaa waxaa ku dhintay askari Mareykanka ah, ka dib markii bombo ay ku qaraxday.

Faahfaahin dheeraad ah ilaa iyo hadda lagama hayo weeraradan. Hase ahaatee, Afar iyo labaatankii Saacadood ee la soo dhaafay waxaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen seddex asari oo Mareykan ahli.

weeraradana waxay qayb ka yihiin weeraro is daba joog ah oo dhawaanahanba lagu qaadayey ciidamada maraykanka ee ku sugan ciraaq ku waasoo ay ilaa iyo hada ku dhinteen askar farabadan oo maraykan ahi.

Top


Madaxweynaha Laybeeriya Oo Ogolaaday Inuu Talada Ka Dego.

Monrovia ( W. Wararka Madaxweynaha dalka Liberia, Charles Taylar ayaa sheegay in uu ka aqbalay madaxweynaha dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo in laga siiyo nabadgalyo siyaasadeed dalka Nigeria. Hase yeeshee, muuna sheegin wakhtiga laga yaabo in uu tago Nigeria.

Warkan ayaa soo baxay in yar ka dib, markii Madaxweynaha Nigeria, Obasajo uu tagay caasimada dalka Liberia, ee Monrovia, si uu ugla xaajooda arrinta la xiriirta nabadgalyada siyaasadeed ee la siinayo madaxweynaha Liberia.

Mr. Taylor oo dowladda Mareykanku ay cadaadis weyn ku saartay in uu dalka isaga baxo, ayaa sheegay in uu doonayo in uu xaqiijiyo in ay bixidiisu u dhacdo si habsami ah oo uuna dhiig ku daadan.

wararka ka imanaya halkaasi ayaa sheegaya in madaxweyne Taylar loo ogolaanayo in uu doorto waqtiga uu baxayo in ay tahay arrrin muhiim ah. Iydoo dowladda Mareykankuna ay dalbeysay in madaxweynaha oo lagu eedeeyey in uu geystay danbiyo dagaal ay tahay in uu dalka uga baxo si deg deg ah.

Madaxweyne Taylor ayaa sheegaya in uu xukunka ka dagayo oo kaliya marka ay dalka yimaadaan ciidamo nabad ilaalin ah oo ay dowladda Mareykanku horseed ka tahay. 

Top


Sidee wararka shirka Soomaalida looga arkaa Muqdisho iyo Baydhabo?

Muqdisho (BBC) waxaa maalinti axadii magaalada Nairobi lagaga dhawaaqay heshiis ay gaadheen kooxaha Soomaalida, kaasoo muujinayey in laga gudbay qaar ka mid ah caqabadihii hortaagnaa in uu shirku hore u sii socdo.

Waxyaabaha laga gudbi la'aa waxaa ka mid ahaa doodda ku saabsan baaxadda baarlamaanka dowladda mustaqbalka, cidda soo xulaysa, mudda ay xilka haynayso iyo weliba nooceeda.

Heshiiskaasi magaalada Nairobi lagaga dhawaaqay waxa uu saameyn weyn ku yeeshay siyaasiyiin jooga Muqdisho iyo weliba reer Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo shir jaraa'id ku qabtay wakiilka xagga siyaasadda ee RRA-da, Maxamed Isaaq Cismaan Fanax, wuxuuna ku dhawaaqay sida ay reer Bay iyo Bakool raalli uga yihiin heshiiskaasi la gaadhay ee ku dhawaaqayey in tirada xubnaha baarlamaanka ee mustaqbalka Soomaaliya in ay noqoto 351, dowladduna ay noqoto mid federaali oo xilka haysa muddo afar sano ah.

Magaalada Muqdisho, hase yeeshee dadweynaha caadiga ah ayaa maanta si weyn u hadal hayey heshiiska, kuwaasoo qaar badan oo dadka ka mid ahi ay la yaabeen in ay kooxaha Soomaaliyeed heshiin karaan, gaar ahaanna hadalladii kooxaha SRRC-da iyo G-8 kuwaasoo inta badan aan isku aragti ahaan jirin oo hadda isku dhinac ka noqday heshiiskan.

Top


Cabashada Qaadka iyo Mafrashyada.

Astaamaha ururay ee lagu arko maanta qaad cunka intooda badan dadka ku sifoobay xanuunka wadaajaha ama qaad qamaxu loona yaqaan qaad qaad qamax Sybdrine waxa maanta aad looga arki karaa marka aad u fiirsato mafrashyada kala duwan ee ay fadhiisato bulsho badan oo u goddoontay cunista qaad cunka, iyo ku noqonoqoshada hagar la’aaneed ee dalabshada caqaarba caqaar, ka sii dambaysa, laguna lumiyo wakhtigga qaaliga ah, laguna seego danno gaar ahaaneed iyo mid guudba.

Waxa si joogta ah uga xaadira goobaha qayilka furan mafrashada macaamilka marka hore mar dambana isu rogga mafrash ku akaakaw. Koox cudurkaa wada qabtaana waxay muujiyaan isku astaamo marka laga hadlaayo dulucda Q.Q.S-ka, waxaanay wada leeyihiin mafrash u gaar ah, kaas oo aanu la qabsan karin qof cusub oo maalin la fadhiistay dhaqan u gaara awgeed.

Si kastaba ha ahaatee mafrashyaddu waxay u kala qabsamaan qaybo fara badan, hase yeeshee waxa ugu muhiimsan kuwan.

1. Stokholom Mafrash: Cajiib!Stokholom mafrish, waxaa loo yaqaan “Gacan Galis”, oo micneheedu tahay “Aan Xamano” ama aynu yara cuno “hebel” ama “hebla”, ama hebello maqan ama kaadi u yara kacay, waa goob lagu xalaashaday xanta, waa goob dadka yar isha nuguli, kaadida u kicin iyagga oo baqanaaya, in la sii yara cuno.

Ama la xantoba, dadka noocaas ah ee ka xaroobay mafrashka Stokholom ama gacan galis, waxay u yaqaanaan kelyo Laade ayagoo dhakhaatiirtu ka heleen badankooda kelyo xanuun iyo cuduro kaadi mareenka.

Kooxda mafrashka Stokholom waxa fadhiista “dad cun” iyo “Qaad Cun”, oo ah isla qof qudha oo cunaya hilib “dad iyo qaad” waxaana daraasad guud lagu ogaaday in ay dhamaan kooxdu ka cabato callool xannuun joogto ah, daaco qudhun, dibiro bilaa sabab ah “GISTA Stokholom” oo ah dibiro iyo neeftuur culus, kalsooni darro iyo khaakhaayir, jiitan ah. (chronia paranoia psychosis).

Fadhigu waxa uu ugu ansaxmaa labo labo wada socda si hadduu mid u kaco ka kale gaadh uga sii noqdo, si aan loo xaman. Balse su’aal hadduu saaxiibkii waayo maxaa ku dhaca? Dee ma kaadi tago,salaad loo kacana hadalkeeda daa. Inaga daaya xanta lagama yaqaan, maxaase dhacaaya hadduu qofku ka hor kac is yidhaa kooxda reer Stokholom? Horta isku mar bey wada fadhiistaan, isku marna way wada kacaan, se hadduu taasi dhacdo qofkaasi “Garaabada ayuu badankeeda bacd ku celiyaa, waanu iska kacaan, waxaana loo qaataa inuu jaad u yaal, oo uu soo noqonaayo, isna sidaas ayuu isku maaweeliyaa, inaan la sii xamman.

Xannuunada laga qaado mafrashkaasi waxa ku dawakha dhakhaatiirta oo hadba ku guul dareysta go’aan ka gaadhista astaamaha qaad qamaxa, xanlawga ah xanuunada ama astaamaha uu ka qaadey hilib dad-cunka joogtada ah, ee aaney dhakhaatiirteena aqoonta badani hore uga soo qaadan dugsiyadda iyo jaamacadaha daawada dadka.

NB. Gista Somalilandiasis- waa astaamaha cudur oo dhawr ah oo isku tagey, laganana qaado isku dhex cunista qaadka iyo hilibka dadka dawadiisuna waa qaad qamaxa oo iska daaya xanta haba yaraatee.

Dr. A. Y. Osman “Gabax”.

La soco salaasada dambe

Top


Maxamed Cali Kalaay yuu u dhashay?

Feedhyahankii caanka ahaa ee dunida Maxamed Cali Kalaay ayaa loo malaynayaa in Irish ay dhalashadiisu ka soo jeedo. Cilmi-baadhayaal ka shaqeeya xarunta Clare Heritage ee koonfurta galbeed ee dalka Ireland ayaa sheegay inay hayaan markhaati cad oo ah in feedhyahanka ugu caansan dunida ee u dhashay Maraykanka Maxamed Cali kalaay in uu asal ahaan ka soo jeedo Irish. Dadka baadhista sameeyay waxey qabaan In Maxamed Cali awoowgiisa labaad- Abe Grady, uu Maraykanka qaxooti ku tagay kana yimid degmada Clara sannadihii 1860 aadkii soona degay Gobolka Kentucky oo uu ku guursaday gabadh madow ah. Wiilkii uu dhalayna uu guursaday gabadh madow ah oo markaas labadiisii gabdhood middood-Odessa Grady,ay guursatay Cassius Clay 1930 aadkii oo ay dageen Lousiville, Kentucky oo markaas wiilkoodii oo la odhan jiray Cassius uu ku dhashay 1942dii.

Markii uu Cassius ku guulaystay Koobkii feedhka ee dunida oo uu kaga adkaaday Sonny Luston sannadkii 1964 tii ayuu soo islaamay oo magaciisiina iska baddalay isaga oo la baxay Maxamed Cali.

Baadhitaankan waxaa sameeyay Telefisiyoonka dalka Ireland oo u dabbaal-dagayay sannadguuradii 30 aad ee ka soo wareegtay markii uu Maxamed Cali tagay dalka Ireland sannadkii 1972- dii oo uu la ciyaaray feeryahankii caanka ahaa ee la odhan jiray Al Blue Lewis. Nimankii baadhitaanka sameeyay waxey yidhaahdeen warqad dhalasho lama hayo oo caddeynaysa in Abe Grady, Cali Awoowgiisa labaad, uu ku dhashay tuulada la yidhaahdo Ennis. Laakiin waxaan shaki ku jirin in John Grady, Cali awoowgiisa saddexaad uu guri ku lahaa Ennin sannadkii 1855- kii, mana jirin bey yidhaahdeen qof kale oo la yidhaahdo John Grady oo waqtigaasi tuulada dagganaa. Sidoo kalena wax shaki ah kuma jiro in Abe Grady uu ahaa Cali Awoowgiisa labaad ayay yidhaahdeen dadkii baadhitaanka sameeyay.

Top


Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin kala xidhiidhaan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq nuurka. Akhyaartayada indhaha yuubyuubanow, waa warkii dunida, waxaana maanta idiin dhuubi doona weriye Mr. Wargarooc.

Isagii oo kambadhuudha.

Jawaan wasiiro ah iyo jaqaf ku-xigeenna ah ayuu Madaxyuubka Shankaroonland subax dhawayd soo hurgufay, kuna cashariyay wasaaradihii il-daraa. Waxa kaluu hoosta kaga nabay bahalo kale oo la yidhi Wasiiro-dawlo. Jawaankaas waxa lagu soo canbusay sideed iyo toban minister, kaw iyo toban istabni-minister iyo shan minister badhisaab ah.

War-saxaafadeed laga soo saaray wixii Madaxyuubka ka qabsaday markii uu magacaabayay, wuxuu u qornaa sidan:

“Xeer Madaxyuub, xubintiisa hoos X.H.
Ujeedo: Is-xariifin Madaxyuub
Ku: kuwii doonayay
Og: Odayaal iyo Islaamo

Madaxyuubka Somaliland markuu laba shaah-cabay, Markuu arkay iimaan la’aanta ka muuqata ragga minister magacowga doonaya, markuu xan ku maqlay dawlad tayo leh baa la sugayaa, markuu ka xishooday ragii la soo halgamay, markuu ka shakiyay kuwa cusub kharashkooda ka baqay, markuu UDUB ka dhufsaday, dawladdana dabada u qabtay, markuu arrinka yaraystay, markuu qallinka dhufsaday, markuu warqadda la fuulay, markuu beelaha eegay, bahdiisana dhawray, markuu tayo doonay tiisana eegtay, wuxuu isku caddibay inuu soo saaro Jawaanka wasiirada dawladda. Dabadeed Madaxyuubka oo ayaamo badan camcaminayay magacawga dawladda ayaa loo malaynayaa inuu ku qunbacday, kadib markii xildhibaanadu isu xariifiyeen afar minister oo ansixinta loo diiday.

Si kasta hawsanceeyee waxay dadku arki waayeen halkay tayadu kaga taal raggan cusub ee la soo magacaabay. Sidoo kale, dadka qaar waxay ka subxaanalaysteen tira badnaanta wasaaradaha iyo wasiirada, kuwaas oo ay yidhaahdeen waar ninku ma baad buu u bixiyay wasiiro badanaa.

Habar dadkaas ka mid ah oo aan la kulmay iyadoo Madaxtooyada agteeda dhuumasho kaga guuraysa, ayaan weydiiyay sababta ay meesha uga baxsanayso, waxaanay iigu jawaabtay; “Waar iga aamus yaan Madaxweynuhu ku maqlin oo ku magacaabine,” iyadoo ka waramaysa sababta ay ka baqanayso, waxay tidhi: “Hooyo, waxaan ahay islaan in badan meeshan Madaxtooyada agteeda deganayd, kadibna waxaan galay UDUB oo u ololayn jiray intii doorashada, kadibna waxaan maqlay kii Madaxweynaha ahaa ayaa magacaabidii ku mirqaamay oo habrihii reer UDUB u halgamay wasiiro u magacaabaya, markaa hooyo waxaana ka baqanayaa inuu halkaa iga arko oo buulkaygana wasaarad ka dhigo, anigana wasiiru-dawlo ii magacaabo.”

Dhinaca kale, dad ka mid ah xisbiyada xukuumadda huruufa ayaa yidhi: “Akhas caleeg, sidani ma dawlad dhisid baa, mise waa dib iskugu shaandhayn? Sawkan intii hore uun inoo cusbeeyay.”

Habar iyadu ku qanacsan xukuumadda ragga loo magacaabay ayaa tidhi, “Huunooyin, dadku gar-daranaa. Saw kuwii rag tayo leh doonayay, kuwan la magacaabay ma cidbaa tayo ku haysata, miyaanay ahayn dawladii dalka doorashada gaadhsiisay, nabaddana ku guntatay, kuna guulaysatay tartankii dhacay. Haddaanay tayo lahayn maxaa loogu codeeyay? Markaa dadkan tayada iska doondoonaya tayadu tay barteen maahee, waa taa la soo tijaabiyay.”

Habartaas oo aan su’aalay in Madaxweynuhu wasiirada beelo u qaybshay, waxay tidhi: “Waar dawladdu waxay beelaha ka bixi kartaa marka dadkeedu iyaguna beelbeelsha ka baxaan. Saw kuwan habeenkiina qabiil-qabiilka u kala baxa ee qoladeenii waa la qadiyay isugu sheekeeya, subaxdiina suuqa ka daydaya wasiiro tayada tuurta ku sita iyo dawlad horumarisa.”

Heblaayo kale oo arrintaa aan wax ka weydiiyay, ayaa tidhi, “Ogoreey, bal haddii kuwani tayo leeyihiin malaha markii horeba tayo inagama maqnayn ee maxaynu doorashadaba iskaga hawlaynay, maynu goleheenii baarlamaanka ee kordhinta ku takhasusay la horgeeyo aayar oo dhalatay laysaga kordhiyo, ilayn intaynu coddaynay baan caantayn isbedeline walaahidii aan UDUB iyo intuu dhalayba waayaa waa shan sanno halkii hore ku hor joog ah.

Si kasta ha ahaatee, xukuumaddan la soo magacaabay oo sagaal minister cusayb ka yihiin, ayaa toddobadii wasiir ee u horeeyay dadku istaahil ku sheegeen, balse intan dambe ayaa loo malaynayaa in ay Madaxyuubka magacyadu ka soo muruxsadeen.

Haddaba iyadoo dalkuna galay xilli dawladdu aanay doqoniimada qarsan karin, waxtarkeeduna aanu hallaabi karin in aanay ahayn intaad taqaan ee ay tahay intaad dedaasho, taas oo haddii garaadkoodu Garandaha dhaafo horumar u gudbi karto.

Halka warku idiinka qulqulayaa waa Raadyow Ma Qaloocshe
Shirkii dalka Kiiniya loogu kambadhuudhay dib ugu kabkabida dawladii Soomaaliya, ayaa lagu gaadhay go’aano loogu gebgeblaynayo dadyowgii wax ka ulanayay. Go’aanadaas waxa gebgeb kale ka muujiyay qaar ka mid ah qafqafleyaasha kooxaha Soomaaliya, kuwaas oo diidmo ku dalooliyay.
Qodobada laysku qoonsaday ee la soo saaray waxa ka mid ah:

In la sameeyo bahal dawlo ah oo loogu yeedho magaca ah (Jamhuuriyadda Fadaraaliga Soomaaliya).

In loo sameeyo hal gole oo afar boqol afka la galay.

In Golaha Baarlamaanku doorto Madaxweyne, Madaxweynuhuna soo doorto Raysal-wasaare, kadibna Raysal-wasaaraha laftiisuna soo doorto xukuumad iyo saddex ku-xigeen rayiis, ahna wasiiro.

In xukuumadaasi loogu yeedho bahal dhexe, ayna aqoonsato maamul-goboleeyada.

In xukuumadaasi Somaliland la hadasho gelin horeba.

Halkaas markay marinayaan ayaan qosol u dhintay oo is idhi, tolaw maxay ku odhanlayd? Qodobadaas oo ay qaar sax ah u haysteen Kildhigaan iyo kuwa hor fadhiyaa, balse anigu markaan hagaag u eegay, waxaan arkay in ragii go’aanada soo sameeyay iyo kuwii soo saarayba ay dadaaleen, laakiin ay ambanayaan, kuwa diidayna ayba kaba sii daran yihiin.

Amuurtaas lafteeda ayaan wax ka weydiiyay gudoonshe ku-xigeenka golaha Baarlamaanka Shankaroonland Mr. Jirde Efenteri, isagoo arrintaas ka yaxyaxsana, wuxuu sheegay in qodobadan ay soo saareen marka horeba ay booshaaq yihiin sababta oo ah, xagee lagu arkay dawlad Federaal ah oo gole keliya yeelata!! Oo weliba baarlamaan aqal keliya oo afar boqol ah yeetalata. Mudane Efenteri oo ah nin qumay ku ah qaabka dawladnimada loo sameeyo ayaa yidhi: “Xilligan la joogo dawladaha aan Federaaliga ahayn ayaan gole keliya yeelan kari, iyagu xukuumad aan faro lagu hayn oo Federaaliya ayay yidhaahdeen waxay yeelanaysaa baarlamaan aqal keliya leh, iga walla marka dunidu aragto in ay qosol u idlaan oo la odhan doono ‘Soomaali biibal, big badaw, boolshidh.”

Dhegaystayaal ku soo dhawaada gabaygii ay Asli Internet tirisay.

Gabay

Waatay in badan maadiyeen
Amase maagteene,
Waatay ku maansoonayeen
Maaha kii hore’e,
Waatay maqaaxiyaha iyo
Suuqa mariyeene,
Waatay majare aan saxnayn
Nala maraayeene,
Is-maqiiq wadaadkii
Hadduu maalmo gaabsadaye,
Muska ooddiyo buu dhanbalay
Marin cidhiidhyoone,
Magacow wasiiradii
Intuu jiidhay miinada’e,
Hayeeshee sidaan moodayiyo
Malihii beenowye,
Mawjad baan ka eegaayiyo
Midaan la dhaadayne,
Intuu maanta urursaday
Haddaan anigu soo miidho,
Markaan Maxamed ina xashiyo
Qodax dhan loo maaxsho,
Ama uu marwada Aadan dhalay
Meesha laga saaro,
Inta kale haddii aan metelo,
Amase miisaamo,
Maryo duugga weeyaan
Wuxuu meesha soo wadhaye,
Weli macawuus iyo shaadh
Ma arag muunadloo wacane,
Kuwii ay mar hore eedaybuu
Soo makaykiyaye,
Moodharuu ku soo guray
Habeen qaar maqaawil ahe,
Musuqmaasuq buu urusadayiyo
Midaan ka dheerayne,
Rag masiirle baan eegayiyo
Lagama maarmaane,
Xaajadu maroor sii gashiyo
Murugga qaarkiiye,
Dawlad milixle baan sugayayiyo
Malabkii doocaane,
Maskax saafiyiyo baan ka bogan
Maan wax soo roge’e,
Malaha guurtidaa maamushiyo
Qoladii meeshaase,
Maandeeqdiyo hashaan foolceshee
Meel kastaba geeyay,
Waxaan meersho-meershaba,
Markay timi madheerteedu,
Mucjisiyo dhibaatay dhashiyo
Mooro iyo faalle,
Maandooyin badan baa jiroo
Maanta saayid ahe,
Sheekada marshada goosatee
Seegtay marinkeega,
Mashquul buu dadweynuhu
Ku yahay xeedhadaa madhane,
Murugiyo hadday ciil dartii
Midab xumaadeene,
Maalintii la taagiyo
Ilaa milaygan aan joogtno,
Xaalkeedu mana’ weeyiyo
Mid aan isdhaamayne,
Mudanaha Rayaalow la arag
Muhindiskaagiiye,
Makhluuqoo dhan baa yaabsaniyo
Mu’ayidiintiiye,
Maahmaah horeetiyo
Haddaan mooshin dib u raaco,
Ma huraan haddaad tahay
Xil waa layska moosaaye,
Haddaad mudane tahay
Oo kursiga lagugu maamuusay,
Waa inaad majiirtaa sharciga
Maalin iyo layle,
Oo aad mabaadi’diyo
Marinka raacdaaye,
Markii hore waxaad sheegtay
Baan kaa martiyaynaaye,
Bal mar kale ku noqo
Waa sugnaa maalmo gudahoode.

Mid kalena haddaan eegay
Waa maado gooniyahe,
Qaadwale madarasado furtoo
Macalin aad moodo,
Oo meel fadhiya
Oo dadkuba wada murwaadayo,
Oo makhaayadihii wada furtiyo
Meheradii suuqa,
Oo aan miskiin caawinayn
Midigna siinaynion,
Oo aan masjiid iyo dhisayn
Mawlac iyo meel san,
Oo inay mirqaamaan cidkale
Maanka gelinaynin,
Oo moodharkii waxaan ahayn
Raris ku moosaynin,
Muslinyow isaga ma aragteen
Ma hadho weeyaane.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kaaf iyo kala dheeri.

Wakhti waxaa laga joogaa sannad iyo bilo ah ka dib markii uu Madaxweyne Riyaale noqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Waxyaabo badan oo hadaba wiiqaya tusnaanta Madaxweyne Rayale ayaa soo if baxaya maalinba maalinta ka danbaysa waxaananad moodaa midba miday ka danbayso in ay ka sii liidato dib ugu noqon maayo kuwii hore, se mayd maxaa u danbeeyey kaa la sii siday.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee si nidaam Distooriya lagu soo doortay oo xalaal ah weeye Madaxweynaha Somaliland, hadaba hadii taariikhda aynu dib u yara jaleecno ka hor intii aan la dooran Madaxweyne Rayaale waxa uu ku Kaanbayn gareeyay hadaan guulaysto waxaan dhisi doonaa wasiiro tira yar oo tayo leh, hadaladaasi waa hadaladii dad badani u riyaaqeen codkoodana u siiyeen Madaxweyne Riyaale, tii may hir galin taasi oo ka turjumaysa in aanu kursigaa xalaal ku doonan Madaxweyne Rayaale maadaama oo aanu marnaba balantii oofin uu balan qaaday..
Waan dareemi karaa culayska saaran Madaxweynaha iyo in aanu ga,aankani fududayn oo uu ka fikiray ragii la ololeeyay iyo 300 boqol ee Xubnaha sarsare iyo inta ku wareegsan ee Xisbiga Udub, kuwaas oo dhinacooda ka ololaynayay.

hadaba waxaa is waydiin mudan maxay u ololaynayeen ma dano u gaar ah?
Codkii umadu xaguu tagay? Ma Kursibaa maslaxad iyo masiirkii umada la waydaarsanayaa?

Golahan Wasiirada ee tiradabadani marka hore caalamku uu u arki doonaa? Marka xigta tayadii la raadinayay meeday? Ma Dr Xassan Imaaciil Yuusuf ka qaad Wasaarada Caafimaadka oo mid aan aqoon noocuu Viruska Duraygu yahay u dhiib baa Wasiirka cusub ee caafimaadku Ina Qaaim Qodax khibrad ma u leeyahay meeshaa la saaray, dadku codkoodii ay iibsadeen mee?

Wasiirada maanta la magacaabay ninka kaliya ee xakamayn karayay waxa uu ahaa Madaxweyne Rayaale maadaama oo uu isagu lahaa fursad aanay yeelan doonin Madaxweyne walba oo ka danbayn doona isaga, waayo isagu waxa uu la jaan qaadayay Distoorkan oo uu la dhashay iskuna wakhti yihiin, waxyaabaha aan saamixi doonin in wasiirada tirada badan hadhaw la burburiyo waxaa ka mid ah 5sanno ee soo socota waxaa u aasmi doona dhidibada wasaarad walba oo jirta ama bilaa xafiis ha ahaato ama haba la haato xafiise.

Raali galinta uu madaxweynuh u sameeyey ragga ardaaga la kulaala waa mid hubaala in ay waydaarin doonto Xisbiga Udub doorashooyinka Barlamanka waayo dadku waxay doonayaan codkoodii ay iibsadeen in ay arkaan, oo tayo wanaagna uu yeesho iyo dawlad muuqaalkeedu quruxbadanyahay oo umada u shaqaysa iyo is badal ka yimaada xaga xukuumada taasina waxay ku danbaysay imika kaaf iyo kala dheeri.

Waraabihii yidhi Amiin ii bixiya ee raacay hashii iyo nirigtii ee soo celiyay fiidkii deeto la yidhi isu soo daaya hasha iyo nirigta oo uu yidhi maxay ku nuugi se maxay ka nuugi ayay ku danbaysay aamindii hindisihii Dawlada kooban ee tayada lahayd ee uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Rayaale.

Taas oo keeni doonta in ay dadku xakameeyaan raggan iyagu is raali galinaya, maadaama oo ay hadhsantahay doorasho tii u muhiimsanayd oo ah tan Barlamanka.

Cumar Cabdi nuux.

Calaydh2@@hotmail.com

Helsinki, Finland.

Top


Diirato nin Dagan Maweydo.

Waxa jirta buur ku taal degmada Saaxil, una dhow Laase-Dacawo. Waxa buurta ka baxo naq aad u fiican una qurxoon, balse ay ku yaalaan dhir xoolaha daaqaa ay ku bukoodaan. Markaas ninkii arrintani ku dhacdaa dib uma dego,haddana marwalba waa la degan yahay, oo lama waayo nin daguugan, ooy war la'aani hodo iyo cagaarka iyo daaqsinta qurxoon ee meesha hadhaysay. Waxa tan ka dhigan saaxiibadey UDUB shallayto u mashxaradaayey, oo markay maqleen dawladda Rayaale magacaabay oo isaga ka ah mid xul ah oo tayo leh, afka gacanta saarey, oo amakaag ku habsaday.

Waxaa se ka muuqda inayna sidan wax u arag. Markaas ma odhan karnaa waxay ahaayeen dar aan garanayn waxii socday. Waxa la yidhi ninka waxii tegay iloobaa,ma garto waxa soo socda.Taariikhda waa in laga faa'iidaa oo laga leexdaa waxii jab iyo halaag kuu horseeday. Miyeyna ahayn waaya’aragnimo tii inoo horseeday Israacii aan isku dheeli-ternayn,miyeynaan. Waa waajib in xilka dawladda la wado wadaago, oo si aan ka taganayn miisanka talada la dhowro. Waxa se tan ka ayaan darran, tayo la,aanta magacyada meesha ka muuqda badan kooda.
Waxaaban la yaabanay waxa kala xadaynaaya wasiirada, wasiiro-ku xigeenada, iyo kuwa loogu yeedho waiiro dawlaha. Madaxweynaha ma dhiibi karaa liiska shaqo ee uu ka rabo 42 mansab ee uu magacaabay (job description). Waxay ila tahay inaanu taas samayn karayn. Arrinku waa ku magacaabaye, sameyso shaqadaada. Waxaad arki doontaa Wasiiro-dawle ka awood badan wasiirka, waxaad maqli wasiir-ku xigeen,shanbadda madaxweynaha ku xoojiya awooddiisa,oo gees mara wasiirka.

25ka Wasiir, waxa keliya ee Dr. magaciisa la raaciyey, waa wasiirka xanaanada xoolaha. Taas mecnaheedu ma waxa weeyi waa kan keliya ee Shahaadad Jaamacad haysta. Waayo haddii Dr. ay tahay mid la raaciyo magaca qofka dhakhtarka caafimaadka ah, Wasiirku ma aha kaas oo waan aqaan, mana aha Dr. wata shahaadada Phd. Waa nin ka qalin jabiyey Jaamacdda Xananada Xoolaha, qaatayna B.S, Aqoon ahaan marka la eegan, ah nin loo dhiibay shaqo uu garan karo. Haddii arrintu sidan tahay maxaa aqoonta loo sul daarayaa, miyaanu cilmigu ahayn, kan lagu saleeyo wax qabadka qofka, inta aan dad- wadkiisa,iyo shakhsiyadiisa loo kicin (leadership and personalility).

Ragga wasiirada ahaa muddada 10 sano oo kor u dhaaftay ee weli golaha ku jiraa, maxay soo kordhin karaan, taag iyo tamarba waa la yaqaan.

Waxa jir dhiig cusub oo laga filaayo inay dhaqaajiyaan waxqabadka dawladda, waxa se hafinaayaa arrimaha kaga iman doona, rag aan meesha ka tegayn, waxna kordhinayn. Kollayba, Maxamed Xaashi, Cawil Cali Ducaale, Edna Aaden,iyo Fadumo Suudi, waa dar laga filaayo inay giraanta dhaqaajiyaan, wadar ahaan se golaha wasiiradu waa mid aad looga rajo xunyahay.

Haddaba iyadoo kollayba garba diiri waayeen nin daguugan, waxa fiican in ummad ahaan aynu ka faa'iideysano qaladaadka ina soo mara, oynaan noqon doqonkii lumay ee markii la soo helay yidhi...sow berriba lumi maayo.

Ahmed Arwo, Cardiff, U.K.

ahmed_arwo"yahoo.co.uk    

Top