Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 375 July 15, 2003

Ciidamada Mareykanka Ee Ku Sugan Djabouti Oo Duqayn Laxaad Leh U Geystay Dhul Somaliland Ka Tirsan, Waxa ku waxyeeloobay ugaadh iyo duur-joog naadir ku ah dalka.

Golaha Guurtida Oo Ka Dooday Arimaha Bulshada.

Golaha Wakiilada Oo Taageeray Mawqifkii Guurtida Ee Shirka Soomaalida Ee Kenya.

Xusuusta Xasuuqii Xeebta Jasiirta 14-Sano Ka Hor.

Waa Tuma Edna Aadan?

Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Hindiya Oo Diiday Inay Ciidamo U Dirto Dalka Ciraaq.

Baqdaad.

Maxaa Ka Soo Baxay Shirmadaxeedkii Afrika?

Bom Lagu Qarxiyay Baarlamaanka Indooniisiya.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Warqad Furan.

Aynu Ilaalino Qaranimada.

Cadaalad Daro Waa Cadaab.

WAADIGA CIYAARAHA, A/fataax M. Caydiid.

Mexico Oo 1-0 Kaga Adkaatay Brazil Tartanka CONCACAF Gold Cup.


Ciidamada Mareykanka Ee Ku Sugan Djabouti Oo Duqayn Laxaad Leh U Geystay Dhul Somaliland Ka Tirsan, Waxa ku waxyeeloobay ugaadh iyo duur-joog naadir ku ah dalka.

Hargeysa (Haatuf): Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Djibouti ayaa la sheegay inay maalintii doraad duqeeyn cirka ah u geysteen jasiiradda Ceebaado ee Somaliland.

Jasiiraddan Ceebaado waxay ku taalaa meel u dhaxaysa Saylac iyo Jasiiradda kale ee weyn ee Sacaada-Diin, iyaduna raacsan xuduuda Somaliland ee dhinaca waqooyiga magaalada xeebta Saylac ee badda.

Sida uu warku sheegay ciidamada maraykanku waxay duqayntan u adeegsadeen diyaaradaha dagaalka oo jasiiradaasi u geystay duqayn laxaadle, iyada oo gariirka hubka ay diyaaradahaasi la dhaceen halkaa laga maqlayey Saylac iyo Lawyacado, taas oo argagax ku riday dadka deegaanka degan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada Maraykanku u duqeeyeen goobtaas, isla markaana ma jiro war rasmi oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo arrintaa ku saabsan.

Inkasta oo aan la soo sheegin dad wax ku noqday duqeyntaas, hase yeeshee waxa loo sheegay inay halkaa ku naf-waayeen duur joog badan oo nooca naadirka ah, sida deerooyinka, iyo ugaadh kale oo ku noolayd jasiiradaas.

Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa la dejiyey dalka Djibouti horaantii sanadkii 2002, kuwaas oo sida la sheegay u xilsaaran inay ka hortagaan lana dagaalamaan dhaq-dhaqaaqyada ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usaama Binu Laadin, ee la tuhunsan yahay inay ka jiraan mandaqadda Geeska Afrika, siiba qaybo ka mid ah dhulalka ay degaan Soomaalidu.

Sanadkii hore ayaa wakaaladda sirdoonka ee maraykanka (CIA) hawlgal ay ku dishay dalka Yemen niman loo aanaynayey inay ka tirsan yihiin ururka Al-Qaacida, la sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo loo adeegsaday hawlgalkaas ay ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti.

Qaybo ka tirsan Ciidamada Maraykanka badda, cirka iyo dhulka ayaa dhawaan tababar ay ka samaynayeen xeebta Djibouti si kama’ ah waxyeelo isku gaadhsiiyey, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaha dagaalku ay duqeysay goob ay ku sugnaayeen ciidamada maraykanku oo ku taala xeebta waqooyiga Djiboti.

Lama oga in duqeynta jasiiradda Ceebaado ay la xidhiidho tababarada noocaas ah iyo inkale.

Maaha markii ugu horeysay ee ay ciidamada shisheeya ahi ku soo xad-gudbaan jasiiradaha xeebta galbeed ee Somaliland, laakiin 1997-kii ayey ciidamada Faransiiska ee Djibouti ku yimaadeen jasiiradaas markab weyn oo nooca dagaalka, wakhtigaas oo diyaaradaha dagaalka oo ku soconayey duulimaad hoose waxa guuxii iyo xawaarihii ay ku haadayeen waxay dumiyeen guryo iyo Dugsiyo, taas oo ay ku dhaawacmeen arday wax ku baranaysay mid ka mid ah Dugsiyadaas.

Top


Golaha Guurtida Oo Ka Dooday Arimaha Bulshada.

Hargeysa (Haatuf): Golaha guurtida Somalilnad ayaa fadhigoodii shalay dood kululi ku dhex martay, doodaas oo ka dhacday madasha guurtida, waxay si balaadhan isula qaadaa dhigay wax ka qabashada iyo tilmaan ka bixinta gol daloolooyinka ka muuqda arrimaha bulshada.

Fadhiga golaha oo uu shir gudoominayey ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Axmed Nuux, waxa kale oo hareeraha ka fadhiyey gudoomiye ku xigeenka 2aad iyo xoghayaha guud ee golaha.

Haddaba, bilawgii doodaas oo bilaabantay abaaro, tobankii iyo sodon daqiiqo, waxa lagu furay aayado quraan, ah, ka dibna waxaa hadalkiisa bilaabay mudanihii ugu horeeyey oo ahaa Sheekh Muuse Goodaad, wuxuuna Sheekhu qadar hadalkiisa si wey uga bixiyey dhibaatooyinka bulshada ka haysta daryeel la’aanta dhinacyada caafimaadka, ajanabiga, sida xad-dhaafka ah u hantiyey shaqooyinkii yar yaraa, ee ay ka shaqayn lahaayeen muwaadiniintu.

Sheekhu isaga oo ka hadlaya arrinta horena wuxuu yidhi “waxa ayaan darro ah inay farmasiilaydu caafimaadka bulshadooda ka door bidaan, faa’iidada ganacsigooda, iyada oo ay jiraan dawooyinka taariikhdoodu dhacdo oo mid cusub lagu dul dhejiyey, taasina waa khiyaamo naf iyo maalba ah, waxaana inagu waajib ah inaynu u yeedhno wasiirka, inkasta oo aan weli la ansixin haddana koley warar iyo qoraal ayuu ka haystaaye”.

Sidoo kale Sheekh Muuse, markii uu ka hadlayey ajanabiga faraha badan ee iyagu seedaraystay shaqooyinka ay qaban lahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ahi, wuxuu yidhi “Waxa wax lala yaabo ah oo aad ku arkaysaa farmasiiyadda iyo dhakhtarada madaxa banaan ee bulshada iska dawayso dhakhaatiir ajanebi ah oo iyagu xirfado kala duwan kaga shaqaynaaya, taasina waa arrin khalad ah, waxaana haboon in la daba galo sidii ay ku keenaan iyo qaabkii ay fiisada ugu helaan, haddaba mar labaad waxaan soo jeedinayaa in wasiirka caafimaadka la warsado, maadaama uu isagu yahay wasiirkii caafimaadka iyo shaqada.

Gebgebadii doodaas oo uu soo gunaanaday gudoomiye ku xigeenka 2aad ee goluhu Mudane Siciid Jaamac, wuxuu yidhi “fulinta iyo wax ka qabashada arrimaha bulshada waxa jirtay guddi kow iyo toban xubnood ah oo aynu u xilsaarnay, iyadana xilka saaran yahay”.

Top


Golaha Wakiilada Oo Taageeray Mawqifkii Guurtida Ee Shirka Soomaalida Ee Kenya.

Hargeysa(Haatuf): Mudanayaasha Golaha wakiilada ee somaliand ayaa fadhigoodii shalay kaga hadlay mawqifka ay ka taagan yihiin shirka kooxaha soomaaliya ee dhowaan laga soo saaray go'aamada, kaas oo ay golaha guurtida ee somaliand todobaadkii ina dhaafay bayaan qoraal ah oo ay ka soo saareen shirkaa ku cadayay sida aanay somaliland shaqo ugu lahayn hadaladii kasoo yeedhayay kooxahaa soomaalida ee ku shirsanaa Nayroobi iyo go,aamadii kasoo baxayba.

Fadhigaa shalay golaha wakiilada oo uu gudoominayay mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), waxay mudanayaashu kaga doodeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo saamaynta uu shirkaasu ku yeelan karo siyaasada somaliland , iyada oo ay mudanayaashii ka qayb galay dooda arrintaa ku saabsani sheegeen in loo baahnaa in goluhu hada ka hor arrintaas ka hadlo , halka ay mudanayaal kalena soo jeediyeen in goluhu soo saaro bayaan u gaara oo arrintaa ka hadlaya, laakiin Mudane (Qaybe ), ayaa golaha ku wargeliay inuu goluhu taageero mawqifka Golaha guurtida ee shirka kooxaha somaalida , isagoo sheegay inay labada gole isku mid yihiin , islamarkaana dooda ku saabsan xaalada taagan ee ku wajahan dhinaca siyaasada goluhu sii wadi doono, laakiin ay taageeraan bayaanka golaha guurtidu soo saareen badhtamihii todobaadkii ina dhaafay .waxaana goluhu fhadhigaa shalay isla qaatay , go,aan ay ku ayidayaan baaqii golaha guurtida.

Go'aankaas oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha golaha wakiilada Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), wuxuu u qornaa sidan: “Golaha wakiiladda JSL, markii uu qiimeeyay xaalada taagan maanta ee ku wajahan dhinacyada siyaasada , gaar ahaan shirarka ka socda dalka kenya , islamarkaana uu is tusay baahida loo qabo ka hortaga shirqoolada loo maleegayo somaliland. Wuxuu go,aansaday in uu si rasmiya u ayido bayaanka kasoo baxay golaha guurtida JSL, 9/ 7/03, ee arrintaa ku saabsanaa.
Dhinaca kale golaha wakiilada somaliland wuxuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hawlaha kala duwan ee lagaga hortegayo dibin daabyada kasoo yeedhaysa kooxaha isku magcaabay hagaamiyaasha soomaaliya, sidoo kalena uu guto qaybta kaga aadan bayaankaas kasoo baxay golaha guurtida oo ah mid asiibay meel ku haboon iyo waqti ku haboonba.”

Warbixintii Stig Hansen Iyo Berit Lindeman Ee Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland, “Kulmiye Iyo Udub Waxay Xubnahooda Ugu Caansan U Dirayeen Gobollada, laakiin…”, Qayb 3aad.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb kale oo ka mid ah warbixintii ay diyaariyeen Mr. Stig Hansen iyo Ms. Berit Lindeman oo ka mid ahaa muraaqibiintii caalamiga ahaa ee goob jooga ka ahaa doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee dalka ka dhacday 14-kii April.
Qaybtan waxay labada khabiir ee Stig Hansen iyo Berit Lindeman oo u dhashay dalka Norway kaga hadlayaan ololihii xisbiyadda ee kaambaynka doorashada.

“Ololaha xisbiga KULMIYE ee dhinaca warbaahinta wakhtigii kaambaynka doorashada ayaa ahaa mid taabo galay, oo ay gacanta ku hayeen hawlwadeeno firfircoon oo wax dacsiin kara, taas oo keentay in xisbiga KULMIYE ka soo midh baxo xisbiyaddii kale.

Labda xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxay xubnahoodu ugu caansan I dirayeen gobolada dalka, hase yeeshee KULMIYE waxa intaas u dheeraa laba arrimood oo kala ah isaga oo bixiyey kaalmo biyo-dhaamis ah oo lagu gargaarayey dadka reer miyiga ah oo abaar iyo biyo la’aani wakhtigaas ku habsatay iyo codkarnimada caanka ah ee uu u dhashay Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay taageerayaashiisu ku hadaaqayeen heeso isaga ku amaanayaan oo la sameeyey wakhtigii halgankii SNM-ta.

Duruufaha kale ee kaambaynka xisbiga KULMIYE caawiyey waxa ka mid ahaa guushii weynayd ee xisbiga UDUB ka soo hooyey doorashadii dawladdaha hoose ee dhacday bishii December, 2002, taas oo sida wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale sheegay keentay in UDUB is-dhigto oo aanu qaadin Kaambayn culus, waliba xisbiga UDUB wuxuu is-wada siiyey meelihii loo tirinayey inay guushu ku raacdo, sida gobolka Awdal, taas dhabar jabkeeda lahayd, iyada oo food kasta oo kaa leexdaa u ahmiyaddiisa lahaa, marka la eego natiijadda codbixinta doorashada ee heer Qaran.

Hase yeeshee, amuurta ugu muhiimsanayd ee KULMIYE caawisay waxa ahayd muran ku saabsan xuduuda u dhaxaysa labada gobol ee Hargeysa iyo Awdal, iyada oo la isku khilaafay dhinaca la raacinayo labada gobol, labada tuulo ee Ceel-Sheekh iyo Cabdi Geedi.

Waxaana murankaasi keenay in aqlabiyadda taabacsan gobolka Hargeysa ee deggan xuduuda gobolkaasi la leeyahay Awdal ay ka codeyso xisbiga UDUB oo ay KULMIYE u codeyso arrintan oo la arkayey, fara-gelin ku lid ah awoodaha guddida doorashooyinka ee qaranka iyo go’aankii ahaa in xuduudahaa maamul ee degmooyinka, lagu saleeyo qaab-dhismeedka 1960, waxa weheliyey shaqo-ka fadhiisiga laba wasiir oo u dhashay deegaanka Gabiley iyo laba kooxood oo isku haystay magaca xisbiga UDUB ee Gabiley, isla wakhtigaas taas oo sababtay in xisbiga UDUB taageeradii u hore halkaas ku haystay ee 50% hoos ugu dhacdo.

Waxa kale oo jirtay in hogaamiyayaasha siyaasadda ee haweenku ay leeyihiin ay saddexda xisbi u kala gudbiyeen su’aalo ku saabsan saamiga u mid waliba diyaarka u yahay inuu haweenka ka siiyo dawladda u dhisi doono.

KULMIYE wuxuu isla markiiba soo saaray jawaab celin u ku sheegay inuu dumarka siin doono ugu yaraan 3 wasiir, 15-20% kuraasta musharaxiinta baarlamaanka iyo dhawr jago oo ah heer agaasime guud, halka u xisbiga UCID ku balan qaaday in haweenka la siin doono laba j ago oo wasiir ah iyo 10% musharaxiinta doorashada baarlamaanka. Hase yeeshee xisbiga UDUB jawaab kama bixin su’aalihii ay dumarku u soo bandhigeen, taas oo ku kaliftay ururka ugu weyn ururada haweenka ee NAGAAD in si rasmi ah ugu dhawaaqo in u taageeradiisa siin doono xisbiga KULMIYE, mar xigtana UCID. Waana nasiib darro in taasi ku timaado UDUB oo fikradda la isla dhexmarayey ee laakiin soo shaac bixin ahayd in haweeka loo qoondeeyo koota ah 20%, xubnaha baarlamaanka, iyada oo isla markaana ay UDUB ka mid ahayd wasiirka haweenayda ah ee ugu awooda badan Edna Aadan Ismaaciil.”

La Soco.

Top


Xusuusta Xasuuqii Xeebta Jasiirta 14-Sano Ka Hor.

Waxa maanta oo ay bisha July tahay 15 ay ku beegantahay sannad guuradii 15aad ee markii uu dhacay xasuuqii xeebta Jasiira. Maalintaas oo ahayd 15/7/1989kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho kuwaas oo laga soo guray guryadhoodii iyagoo iska hurda.

Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macalimiin, dhakhaatiir, arday, baayacmushtar iyo dadkale oo shacab ah. Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan, danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee Muqdhisho ka dhacda dhamaadkii sideetanaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladdii xilligaas talada haysay iyo shacabku waxay bilaabantay Jimcihii 15 July 1989kii markii ay dadweynaha magaalada Muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka shiikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadweyihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan masaajidka.

Ciidamadaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada Booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada Muqdisho lagu soo rogo Bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa waaberiga.

Ciidamadii duubcasta ayaa bilaabay Axaddii ay soo galaysay 17 July 1989kii inay ay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafado ka tirsanaa magaalada Muqdisho (Madiina iyo Hodan) oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada hawgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana Maslax Mohamed Siyaad amar ku siiyey Gen. Canjeex oo ciidamada haystay inay laayaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan giddigood qabiilka Isaaqa.
Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta Jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47kii qof mid kamid ah markii ilaahay ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Muuse Cumar Mire( Cawil). Oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu udhacayba.

Warkan oo argagax ku noqday Muqdidho gaar ahaan safaaradii ajanebiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax udhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caamlamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay in kabadan 100, 000 qof majirto cid sidaa wax uga qortay. Waxaana dadkaasi layska laayey iyadaan loo aabo yeelin. Waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.

Waxaase dadku ka doodaan arrintan xasuuqa Jasiira waa ta qudha ee xasuuqii dhacay cidii ka badbaaday ka warranto kumaanaanka kale ee markaas lagu xasuuqaayey baladkoodii ee aan cidi ka bad baadin, ilaa iyo maantana aan caa'iladoodii garanayn meel ay ku danbeeyey ee ilaa hadda raadinayaan. Waxaana aan shaki ku jirin in badanaa la la'yahay sidaasoo kale loo xasuuqay laakiin inaan cid ka wargaysaa ka fakan.
waana Kuwan Liiskii 46kii qofe kacaanku ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee Jasiira:

1.Ibrahim Hasan Gelle ( H.Y) US-OMC-Somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie (H.Y) Businessman
3.Mohamed Ismail Ahmed (H.Y) BUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle ( H.Y) USAID
5.Saeed mohamed Mumin ( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J) Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J) Businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi ( H.J) Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed (H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Matan Abdi Habashi ( Arab) Student
13.Mohamed mohamud Abdi (H.Y) Businessman
14.Ali Mohamed Abdi (H.A) Student
15.Hassan Aw Nur Barud (H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A) Technician
17.Ahmed Yassin Omar Jama ( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan(  H.A) Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege (H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman
21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie (H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi (H.A) Trader
24.Abdi Osman Dubad (H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein (C.G) Trader
26.Mohamed Musa Mohamed (H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi (Dheereeye) (H.A )Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan) Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan (H.A) Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servant
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servant
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servant
33.Jama Aden (barosin) (H.J) Civil servant
34.Abdirahman Mohamed Osman (beledi) (H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A) student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A) Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Jama (H.A) Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)
53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)
54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
58.Rashid Mohamed Osman (H.A)
59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.

Warbixintan waxaa diyaarshay: Cabdi Cabdillahi Hassan, Holland

Top


Waa Tuma Edna Aadan?

C/Casiis Axmed Muuse

Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Drs. Edna Aden Ismail .. ama ha Loogu Yeedho Edna Aden Dhakhtar , Waxa ay ka Dhalatay Qoys Xirfadd u leh Dhakhtar-nimadda Oo Caan ka Ah Dhulka Somalida.

Marwo Edna Aden waxa ay ku Dhalatay Magaaladda Hargeysa. muddo laga Joogo Kontomeeyo Sano. waxa ay waxbarashadeedii ku Soo qaadatay Djibouti, Burco, Uk, U.S.A, Edna Aden waxa ay Noqotay Gabadhii ugu Horeysay Ee Somaliyeedda Ee loo Diwaan Galiyo In ay u qalanto Xirfadda Nures-nimadda Nurse-Midwife dalka Ingriis-ka.

Drs Edna aden waxa ay Sanadkii 1961 ku Soo Laabatay Somaliland (Hargeisa) iyadoo Isla Sanadkaaba ku Shaqeysay Xirfaddii ay soo Baratay.

Edna Aden Waxa ay ka Mid Ahayd Dumar-kii uu Guursadday Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum M..I.Cigaal.

Edna Edan waxay Noqotay La Taliyaha Haayadda Caafimaad-ka Aduunka (WHO) Ee 22 Wadan. Edna Aden waxa ay Haayadda Qaramada Midoobay u Magacowday Wakiilkeega Gobol-ka Mediterranean-ka Oo Saldhigiisu ahaa Dalka Masar(Egypt) Muddo Sanado Badan ah ka Dib Haayadda Qaramada Midoobay waxa ay u Soo Magacowday Wakiilkeeda Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Edna Aden waxa ay Hantiday Shahaadoyin Badan Oo Nabadeed oo ay Gudoonsiiyeen Qaar ka Mida Jaamacadaha Wadamadda Reer Europe iyo Maraykanku kuwaas oo ula Dan laah Siday u Gudatay Hawshii Adkayd Ee Ay Mudada Badan u Haysay Qaramad Midoobay.

Edna Aden Isla Sanadkii 1998 ayey Sees-ka u Taagtay Hospital-ka Caanka ah Ee Edna Aden Maternity Hospital oo ay ku fikirtay iyadoo 11 jir ah in ay Hargeisa ka Taagto Hospital Casriya oo Qiimo Jaban Ugu Adeega Dad-ka Tabaalaysan Ee Reer Gees-ka Afrika.

Edna Fikirkeega Hospital-ku Kumuu Koobnayn oo kaliya hargeysa waxa ay Hospital weyn oo ka Hargeysa Leeg isna ka Jeexday Magaaladda Muqdisho kaas Oo Nasiib Darro Dhismihiisa Uu ka Soo Dhex-galay Dagaalkii Ahligahaa.

Edna Aden Khabiir-nimadeed Siyaasadeed waxa ka Mida iyadoo la kulantay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Maryakanka lynden Johnson Iyo Xaaskiisa Markaas oo ay la Socotay marxuum. M.I.Egal .oo Ahaa Raysal wasaare Somalia. Edna Aden Waxa ay Xilligaa ahayd Haweenaydii Ugu Aqoonta Badanayd Dumarka Somalida Ee Madaxda ka Ahaa Ururadda Haweenka Somaliya.

Edna Aden intay qabatay Shaqadeedan Cusub Ee Wasiir-nimo waxa ay Guul Diblomaasiyadeed u Soo Hooysay Dalkeega Marka Loo Eego Wasiiraddii ka Horeyay Ee Soo qabta wasaaradda Arrimaha Dibada Ee Jamhuuriyadda Somaliland ,kuwaas oo Kalmad Qudha Oo Lagu Xasuusto ka Tagin
Edna waxa ay Qadiyadda Somaliland kala Shirtay iyadoo Xilligaa ahayd Wasiirka Qoys-ka Madaxweynaha Dalka Senegal Abdoulle Wade, iyadoo waliba la Kulansiisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Reyaale Kaahin iyo wafti uu Hogaaminayo.

Edna Aden waxa ay qadiyadda Somaliland U faahfaahisay Madaxweynaha Dalka South africa Thabo Mbeki iyo wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Dalka South africa. Edna Aden waxa ay Qodbad Qaaya Leh ka Jeedisay Telefishanka Qaranka Ee Dalka South africa, iyadoo Si Fiican u qeexday Taariikhda Dhabta ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Edna Aden waxa ay la Kulanta Dhawaan Xaas-ka Madaxweyne xusni Mubarik oo ay U Faahfaahisay Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland mar ay ka Qayb-gashay Shir Dumar-ku halkaasi ku lahaayeen. Edna Aden waxa ay wada hadal kala Yeelatay Xidhiidh ka ka Dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland Wasiir-kiisa Arrimaha Dibadda Asyun Masfin. Taaso Oo Si weyn la Iskula Af-gartay waxana Soo Dhaweyn weyn u Muujiyay Adena Aden Diblomaasiyiinta Shisheeyaha ah Ee ku Sugan Caasimadda Addis-abab.

Edna Aden waxa Dalka Canada ku Casuumay Xubin Sare oo ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Canada oo u Qushuucay Fikirkeeda Ay ugu Adeegayso Dalkeega Ninkaas oo la Yidhaa Mr.Jim Kargyanis isaga oo laga soo doorto Agen Court, Toronto, Ontario (Canada).

Mar kale Edna waxa ay la Kulanta Wasiir-ka Dumar-ka Ee Dalka Belgium iyo haween ka kala Socoda Dalalka Reer Europe. kuwaas oo Shir ku lahaa Magaaladda Brussels Ee Dalka Belgium oo ay u Doorteenba Gudoomiyaha Shirkaas. markii ay ka Yaabeen Fikirkeega ku Salaysan Dimquraadiaydda ka Hir-galaysa Qaaradda afrika.

Edna Aden waxa U Doortay Jagadan In ay Qabato Madaxweyne Daahir Reyaale kaahin oo lagu Doortay Si Dimuqiraadiya bishii April 14-keedii
Anigoo Ah Qoraaga Taariikhdan waxa Aan ka Soo Ururiyay Ilo Lagu Kalsoonyahay .....waxanan ku Kaydiyay Buugayga Taariikhaha Dad-ka Caanka ka ah Ee Somaliyeed ...oo Aan In Badan wax ka Qorayeyba.

Abdiaziz Ahmed Mousa.

abdiaziz2@hotmail.com

Top


Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka yaryar ee ilaaq dhuubka ah.
Akhyaareey, waxaynu soo gaadhnay dhabadii aan warka ka soo aroorin jiray, maantana waxa darka u galay oo shubaya Weriye Mr. War Wareershe.

Warkii oo Kambadhuudha.

Madaxfiiqa dalka Maraykanka Mr. Jawaan Habaryuu Buushe ayaa dhawaan u soo xagaa-baxay xagan Qaarada Carra-edeg, waxaanay isagiyo afadiisa Loora yar soo khaawiseen shan daabiyadood oo ku kala yaal gadhka iyo gafuurka Afrika.

Booqashadaas wuxuu ka soo bad-galay dalka Siniin-gaalo, dalkaas oo ah wadan Afriko Islaameed ah, wuxuu kulamo la yeeshay Dhakabuurka Mr. Cabdalle Wad-wade, halkaas oo lagu soo waramay in odaygu soo dhaweeyay oo kulan ku wadwaday inan soo xagaa-baxay.

“Habaryuu Mr. Birisidhaan; Baybi bush welkom Afriko kambadhuudha, Asbiyaan guu.” Sidaa waxa yidhi Cabdalle, Mr. Buushe oo qosolka bigisiiyay, ayaa ku yidhi: “Faayn tenegyuu for welkaantaada aan I am farax moor tu sii Afrikaan sitindhawn ; jas we wonti foor laaflaaf dem.”

Madaxweyne Buush oo xagaa-bixiisii wata wuxuu u bariiqday dhinaca dalka Afrika oogo, halkaas oo uu Biciido iyo Sakaarooyin ku daawaday.
Intii uu dalkaas dhex gidhgidh lahaa, wuxuu khudbado ka jeediyay magaalada Biciidtari, kaas oo uu sheegay inuu Afrika u soo daawasho tegay oo uu eegayo ishay leedahay, xag caafimaad, siyaasadeed, dhaqaale iyo inta litir ee ay ka cabtay dimuqraadiyada. Madaxyuubku waxa kaluu booqday xabaalaha Bahalka Aydhiska la yidhaahdaa Afrikaanka ku laayo iyo xero weyn dadka uu cudurkaasi ku dhaco lagu ururiyo oo ay Malag-kulmawdka ku sii sugaan.

Madaxyuub Buushe yare dadkaas buka wuxuu u sheegay in dawladda Maraykan ka celin doonto cudurkaas, kaas oo uu sheegay inuu isagu u qoondeeyay shan iyo toban bilyan oo ah ciidamada doolarka ah oo uu ugu talo-galay in ay ka dagaal galaan oo Afrika ay ka qaybqaataan bahalka Aydhiska la yidhaa, isagoo dadkaa buka la hadlayay, wuxuu yidhi: “Dhoonti karaay, anwar mani kaan kajin your fayris of HIV aan wii wil jeysin aydhis laayk Sadaam Gafarmaan, yuu noo.”

Dhinaca kale, waxa la sheegay in Buushe la kulmay Madaxdhuub Inbikeeriga Afrika oogo, kulankaas oo isgacan qaad kadib fadhiga laysku waraystay, ayaa la sheegay in faq iskul baxeen labada nin, kaas oo Buushe oo hadalka hoos u dhigayaa uu Inbeeki ku yidhi: “Aaryuu sii ani teririsam tukubaya oo tukanaya? (ina wax argagixiso ah ma aragteen?).” Mr. Inbikeeji oo u jawaabaya ayaa yidhi: “Noo, weer tereriis sitindhawn anwar dalkan, aan ay dhoonoo if deer sam turuubis foram yuu send as.”

Jawaabtaas oo macnaheedu yahay; “Anigu ma ogi meel ay argagixiso joogto, hadaanay jirin kooxo adigu noo soo dirtay.”

Mr. Buushe ayaa ugu jawaabay “Oo maxaad u samaysan weydeen argagixiso aad er-eryatid?” Inbeeki ayaa yidhi; “Oo maxaa igu xaqsanaya ee aan ka faa’iidayaa?” Buushe ayaa yidhi: “Siyaasadda dalka Maraykanka ayaa ah in kaalmo lacageed iyo mushqaayad lagu siiyo dalka argagixiso sheegay, ee er-eryada ama soo qabqabta Gadhlayaal uu gargaar aad ku heshaan, miyaydaan aqoon siyaasadda cusub ee la yidhaa (Qarxiyoo qaacida ku qor, qiro oo lacag qaado, ha saxeexdee ka sasi, ku eedeeyoo iskaga duul, qabso oo nin ha soo qaban, baadigoob oo ku gumayso iyo Bac Bolitikal).”

Si kasta ha ahaatee, Booqashadan Buushe Afrika ku dhex rooray, ayaa lagu sheegay inuu dhawr amuurood isugu jiray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

In Madaxweynaha Maraykan is yara mis kiiniyo oo dadkiisa isaga dhigo nin aan aadaminimadana wax ka yaqaan oo aan argagixisada oo keliya ku koobnayn.

In Buushe doonayay inuu isku diro Argagixiso iyo Afrikaan.

Inuu baabi’iyo xuduudadii Ingiriisku sameeyay oo uu calaamadiyo xuduuddo cusub oo Maraykan u qoondeeyay.

In Afrika Aydhiska loogu gabado oo Gumaysiga lagu xoogeeyo
Dimuqraadiyada doolar loo raaciyo.

In Afrikaanka dalka laga iibsado oo la ogaado qiimaha ay ku iibinayaan.

In dadka Maraykan ogaadaan in Afrika ay ka banaan tahay dhul baylah ah oo maalgashi ay ku samaystaan.

In Afrikaanka loo sheego in loo ogolyahay Sayladda Ameerika
iyo in ina Buush Madaxda Afrikaanka u sheego inuu yahay wiilka dunida ugu cawaandisan doonayana inuu noqdo ninkii adduunyada mideeyay, ahna eryade Sadaam, dumiye Ciraaq, iska qabsade Afgaanistaan, eryade Alqaaciida, caydhsade Osaama iyo Gantaal dheer shidaalka ka ganacsada
Booqashadani waxay ku soo beegantay xilli dalkiisa ay ka socoto dacwado laysku daba socdo beentii bilaa qiyaasta ahayd ee Ciraaq lagu weeraray, taas oo markii basaasiinta Maraykan la weydiiyay waxay shubi jireen ay iska leexiyeen oo yidhaahdeen Ingiriisbaa noo sheegay, Ingiriisna yidhi Turki baa noo sheegay, Turkina uu yidhi iyagaa nagu yidhi. War-sheekadaas oo Ingiriis iyo Maraykan si xun isugu naceen ilaa imika lama hayo naagtii war-sheekadan keentay.

Ardo Sabad.

Safaaradda Maraykanku Atoobiya ku leeyahay ayaa soo sheegtay in Madaxyuubka Maraykanka Buushe uu shaxaad u soo diray dalkan Shankaroonland. Shaxaadkaas oo aan is idhi; Alla inanka yari bakhaylsanaa, wuxuu ahaa labaatan kun oo uu yidhi; hablaha yaryari ha ku bartaan kubadda kibirka, kaas oo markii uu Afrika yimi uu is yidhi koonahaas yaan lagaa soo cawryin, calashaan cawri-gaf.

Arrintan oo ah markii ugu horeysay ee Madaxweyne Maraykan oo shaadali shubayaa Shankaroonta ku soo tuuro, taas oo aan is idhi waa xeer cusube marka dhawaan Shankaroontu ducaysanayso in dalka Maraykan ay u dirto labaatan mijood oo qaad ah oo kuna tidhaahdo ‘Dumarkiinu dawrinimada ah ku bartaan.’

Hargeysa.

Wasiirka Duunyo ee dawladda Shankaroonland ayaa sheegay in uu qabtay khiyaamo geedkaas le’eg oo tijaartu ku cawari jireen cashuurta, taas oo dawladda tayada lihi tiro dabada u qabatay, kadib markii ay ogaatay in waraaqda alaabta lagala degayaa ay beenta taqaano, ganacsataduna khaayinimo dalka kula dhex jiraan.

Qaar ka mid ah khaayimiinta la qabqabtay ee atooruhu ka soo gaadhay ayaa sheegay in dawladdu cashuurtii ku kordhisay oo ay cabaadayaan. Nimankaas oo uu dudayay maxaa loo ogaaday khiyaamadayada, ayaa Wasiir Ambaasedoor sheegay in aanay jirin cashuur la kordhiyay ee ay jirto khiyaamo fashilantay.

Si kasta ha ahaatee, dalkan oo inta yar ee lacagta cashuurta lagu waardiyeeyo oo tijaarta tuugta lagaga ilaaliyo, ayaa haddana nimankan la leeyahay waxbaa tijaar ah ay tuugnimada fariidnimo u yaqaaniin, kuwaas oo belwad ay u noqotay in dalkoodana cashuurta siin waayaan, dadkoodana alaabta ku qaaliyeeyaan, dawlad wacanna daydayaan, horumarna u dudaan, baddana bilaa lacag kula dhuuqaan.

Dhegaytayaal warkii halkaas baan ku joojay, imikana waxan soo sanqadhayaa waa gabaygii.

Gabay.

Asli iyo Ma Qaloocshe oo isu jawaabay:

Waxay tidhi Asli
Aflagaado waa necebahayiyo
Ereyo shaydaane,
Abidkayba waxaan weeraraa
Meesha iinta lehe,
Bal ogaada maantoo kalaan
Uuro keciyaaye.

Afar xaalo afar xaalo
Waa lagaga eertaaye,
Wasiir ooman kii soo diraa
Lagaga eertaaye,
Islaan waalan odaygii qabaa
Lagaga eertaaye,
Awr didaysa aqalaad gashaa
Lagaga eertaaye,
Hadday habari kuu uunsatoo
Aqal ku geynaysso,
Alle qabay duqdaadii horaa
Lagaga eertaaye,
Arrin kalena waa
Sheeko aan soo abaabulaye,
Afrikaanka shiray kama duwana
Adhi sidiisiiye,
Idihii iyo sidii naylahay
Dhan u alaamaane,
Orgi iyo riyaad moodaysaa
Oogta waabariye,
Amintay shiraanbaa
Dadkuba la ashqaraaraaye,
Ciyaal ooyaayaan moodayoo
Aabahood dilaye,
Sida ay islaan soo martiyo
Inani ii sheegtay,
Waxay tidhi shirkii wuxuu ahaa
Ooda dhacameede,
Inankii Mandelaa tagoo
Aaday meel kale’e,
Afadii iyo minyaradii dambuu
Aadey xaajiguye,
In dhawaydba waatay masayr
La afdaboolnayde,
Allow yaa aqoon ruux lahoo
Urursha noo keena.

Asli baa sidaa tidhi
Haddaad iga maqlaysaane,
Amintay halkaa maraysay
Bay jebisay oodaha’e
Ma qaloocshe oo soo ordaa
Aayar soo galaye,
Wuxuu yidhi;

Waxaan ahay ninaan laga adkaanayne
Amaantayda guudbaa
Ka badan kun iyo aalaafe,
Abaanduule qaadbaan ihiyo
Jebis arooryaade,
Madhibkaan indhaha ula ekahay,
Amase oofaha’e,
Adhaxdaydu dadar bay ahayd
Amase miirooye,
Haymoodin jaad ururiskii
Ina Af-diinlaade,
Aadyar iga dambee
Yaan amleey uurka kaa marine.

Dabadeed Aslaa soo gashayiyo
Unugyadeediiye,
Waxay tidhi;

Ayeeyooy ma tihid
Ruux la aamino’e,
Asalkayga guud baanad garan
Idil ahaantiiye,
Waxaan ahay islaan 100 jirtoo
Diraysa iimayle,
Ingiriisigiyo baan aqaan
Oosha reer carabe,
Marmarbaan Itoobiyaan qoraa
Ama ugaandhiise,
Urdoogiyo bagistaanigaan
Ugu hadlaa aade,
Afka waxaan u taagaa
Sidii odaygii Saadaame,
Wiilyahow ordaayaa
Cidlaad ununufaysaaye,
Sidaad tahay wasiir udub ahoo
Umal wareeraaya,
Oo idaacad loo dhiibayoo
Kaba adkaan waayay,
Oo dhaliishii arkayn
Amase iintiisa,
Oo kora alaylkii birdheer
Ama ku leexaysta,
Oo FM-tii arbishay
Amase BBC-dii,
Nimanyahow isaga ma aragteen
Inanka soo xiiqay.

Afartaa waxaan odhan jiriyo
Alalagtaydii dheh,
Ameerikaan cidlada weeraroo
Mooday qaacida dheh,
Argagixiso binu laadaniyo
Reer Afgaanistaan dheh,
Ifisadii Ciraaq lagu ridiyo
Uuro iyo qiiq dheh.

Ma qaloocshihii baa haddan
Aayar soo galay dheh,
Wuxuu yidhi;

Aslideeda mooyiye
Islaan waalan baa tidhiye,
Aaladeedu waayahanba
Waa nagu abaarayde,
Anigiyo waxay gaadaysaa
Eheladaydiiye,
Sidii odayo guurtiya
Hadday eedo wadataaye,
Inkaleeto maaha’e
Hadday aniga ii baanto,
Oo ay i dayn waydo
Waa inaan duqeeyaaye,
Aslise waan jeclee
Waxaan ku nacay
Hadal ay awdaaye,
Waxaan soo arkoo ogahaybay
Igu cilaaqdaaye,
Way asaraartaa
Sidaan aabaheed dilaye.

Waxay tidhi Asli;
Inaadeer wax baan kula arkayaaye
Ogaan waayay xumihiyo
Halkuu eelku kaa galaye,
Waxaan ogahay maad ogid
Haddana waad ogsoontahaye,
Inaan kuu asteeyaan rabbaa
Soona ururshaaye,
Odaygii Cigaal wuxu ka tegay
Laba af-miishaare,
Teer iyo aftidii Booramaay
Urursanaayeene,
Adduunkay dheceen baa
Ka badan kun iyo aalaafe,
Aqaladay dhisteen bay
Dadkuba la amakaageene,
Ama garo ama ha garan
Waa midaa adiga kuu taalle.

Top


Hindiya Oo Diiday Inay Ciidamo U Dirto Dalka Ciraaq.

New Delhi (W.wararka)Dowladda Hindiya ayaa diiday codsi ay dawlada Mareykanku soo jeedisay oo ahaa in Hidiya ay ciidamo u dirto dalka Ciraaq, si ay uga qeybqaataan dib u dajinta Ciraaq.

Hidiya waxay sheegtay in ay arrintaa tixgalineyso oo kaliya marka ay Qaramada Midowbey ogolaato in talaabo noocaas ah la qaado.
Go'aankan ayaa lagu dhawaaqay, ka dib markii ay magaalda Dalhi kulan ku yeesheen Saraakiisha golaha wasiirada iyo amaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa wediisatay ciidamo dalka Hindiya markii ku xigeenka Ra'iisal Wasaaruhu, Lal Krishna Advani oo bishii hore booqasho ku tagay magaalada Washington.

Weerarada Loo Geysanayo Ciidamada Mareykanka Ee Ku Sugan Ciraaq Oo Sii Xoogaysanaya.

Top


Baqdaad

Baqdaad (W.wararka). Afhayeen u hadlay ciidanka Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa sheegay in Baqdaad lagu dilay askari Mareykan ah. Taas oo ka dhigeysa tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay Ciraaq ilaa iyo sodomeeye, tan iyo markii madaxweyne Bush uu ku dhawaaqey in dagaalkii weynaa uu dhamaaday horaantii bishii May. Lix kale oo Mareykana ah ayaa iyagana weerarkaa lagu dhaawacay. Kolonyada ay askartu saarnaayeen ayaa marayay xaafadda Al Mansuur, ka dib markii lagu soo weeraray hoobiyeyaal. Weerarkan ugu danbeeyay ayaa dabasocoday bomb lagu weeraray saldhig ciidamada boliisku ku leeyihiin Baqdaad maalintii Axadii.

maalitaas Axada ah waxay ahayd, maalintii ugu horeysay ee la qabtay kulan lagu caleemo saarayey golaha cusub ee ka talinaya dalka Ciraaq. Waxaa lagu soo waramayaa in nin Ciraaqi ah la dilay. Saraakiisha deegaanku waxay sheegayeen in ninkaasi uu isku dayey in uu u soo dhaweeyo saldhig boliisku leeyihiin baabuur ay ku raran yihiin waxyaabaha qarxa, saldhigaasina waxaa lagu soo waramayaa in uu ahaa meel had iyo goor ay yimaadaan ciidamada Mareykanka.

Top


Maxaa Ka Soo Baxay Shirmadaxeedkii Afrika?

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa soo gababageeyey shir weynihii labaad ee Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Maputu ee dalka Mosanbiik.

Shirkaasi oo looga hadlay colaadaha Afrika ka aloosan iyo sida wax looga qabanayo, iyo la dagaalanka cudurka Aids-ka iyo hoos u dhigida saboolnimada ka jirta qaarada Afrika.

Arimahaas ayaa waxaa laga soo saarey go'aano ay ka mid yihiin in la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha, isla markaana iskaashi iyo xiir adag in lala yeesho barnaamijka dalalka hodonka ah ay ku taageerayaan dalalka saboolka ah ee Afrika.

Xagga joojinta iyo ka hortagga colaadaha Afirka ayaa waxay hogaamiyeyaasha Afrika ay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo ciidan nabad ilaalineed oo ay leeyihiin dalalka Afrikaanku.

Iyadoo la qorsheeyey in ciidamo gaadhaya ilaa iyo 1500 in loo diro dalka Liberia si ay uga qeyb qaataan howsha nabadeynt dalka Liberia.
Ciidamadaasna waxaa lagu rajaweyn yahay in ay kala kala yimaadaan dalalka waqooyiga Afirika.

Hogaamiyeyaashu waxaa kale oo ay isku afgarteen in si dhakhso ah wax looga qabto colaadaha ka aloosan dalalka Soomaaliya, Sudan, Burundi, Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Kongo.

Dhanka Soomaaliya waxay hogaamiyeyaasha Afrikaanku dhiiro galiyeen in la xoojiyo heshiiska dib u heshiisiinta Soomalida uga socoda dalka Kenya, iyo in la dhowro midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya.

Waxa kale oo ay isla garteen madaxdii ku shirtay Maputu in la qaado olole xoog leh oo lagu xakameynayo cudurka Aids-ka iyo cudurada kale oo ay ka mid yihiin duumada iyo Qaaxada oo ay u dhintaan sanad walba malaayiin Afrikaan ah.

Waxaa kale oo ay madaxdu isla soo qaadeen in la dhowro xuquuda caruurta iyo dumarka Afrika, kuwaas oo dhibaatooyin badan ay soo wajahdo.

Hogaamiyeyaasha Afrikaanka ayaa waxay dib u dhigeen qodobo ay ka mid yihiin qaraaro lagu aasaasayo gole ay Afrikaanku leeyihiin oo ay howshiisu tahay sugida amaanka iyo nabadda dalalka Afrika iyo barlamaan mideysan oo u dhexeeya dalalka Afrika. Waxaana qaraarkaas dib loogu dhigay in lagu gorfeeyo shir aan caadi aheyn oo la filayo in la qabto bilaha soo socoda.

Top


Bom Lagu Qarxiyay Baarlamaanka Indooniisiya.

Jakarta (W.wararka)Boliiska dalka Indoneshiya ayaa sheegay in bomb yar lagu qarxiyay dhismaha Baarlamaanka ee magaalada Jakarta.

Bombkaas oo keenay in daaqadihii dhismahu ay daataan, sidaas oo kalena waxaa dumay darbi, hase yeeshee, bombaasi wax dhaawac ah ma uuna geysan.

Ciidamda danbi baarista ayaa sheegaya in aan lagu degdegin karin in la sheego cidii ka dambeysay weerarkaasi.

Qaraxan ayaa dhacay dhowr maalmood uun ka dib, markii la xidhxidhay dad looga shaki qabo in ay yihiin Islaamiyiin xag jir ah.

Weerar lagu qaday guri ku yaala Magaalada Java ayaa Afar ka mid ah dadka laga shaki qabo waxaa lagu helay qalab lagu sameeyo bombooyinka.

Waxaa kale oo la helay liis ay ku qaran yihiin goobaha la doonayey in bartilmaameedka lagu dhigto, waxaana ku jiray dhismayaal muhiim ah, iyo guryo ay degan yihiin dad masuuliyiin iyo xildhibaan leh.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Warqad Furan.

Aniga oo ah Saleebaan Xuseen Axmed degana caasimada Hargeysa, ahna Subeer Adeerkii, waxaan maqaalkaygan kaga hadlayaa qisadii aan hore loo arag ee loo gaystay falkii argagixisada ahaa, haddaba sida aniga iyo inta ila ra’yiga ahiba aanu hore uga hadalnay, iyada oo aan dheg jalaq loo siinin oo aan waxba laga qaban raadadkii cawaaqib xumada reebaya.

Haddaba aniga oo ka hadlay hay’dihii baadhayey arrinkani waxaa jira in dadkii kiiskan lugta weyn ku lahaa ee guryahooda la geeyey ama lagu hayey Subeer Yare aanay waxba ka qabana haba yaraatee, waxaa kaloo jirta in Jigjiga dad lagu xidhay oo Subeer dawladda Itoobiya iyo eheladdii raadka Subeer ku jiifay iskaashanayaa ay raadkaa heleen, daba galeen, ogaadeen, qabteen xidheen iyyana qirteen arrinta Subeer in ay lug ku lahaayeen.

Ka dibna masuuliyiinta Jigjiga ay yidhaahdeen dawladdiina waraaq official ha noo keento, oo ay ku dalbanayso dadkan halkan ku xidhan, ka dibna aanu ku wareejino intaa ka dib waxaanu sheegnay masuuliyiinta ay khusayso, sida daakhiliga booliska, C.I.D-da sirdoonka qaranka ilaa iyo imikana aan waxba laga qaban dadkiina ay xidhan yihiin halkii Jigjiga arrintani shaqadoodaay tahay arritan ay ka leeyihiin. Iskaba daa qabasho ay qabtaanoo kuwii Hargeysa hawsha kaga jiray ayaanay ilaa hadda oo ay arkayaan hadh iyo habeen aanay gacanta ku dhigin.

Haddaba waxaanu ka baqaynaa sansaanta muuqataba tahay in ay dadkan xidh-xidhan ooda ka qaadaan, wakhti aan fogeyn, arrintaas oo hadday dhacdana sababi karta in suuqa laysku dhex dilo, isla markaana haddii ay dhibaato ka timaado ay ka masuul noqon karto xukuumadda aan hawshan waxba ka qaban.

Haddaba, waxaan maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa masuuliyiinta ay warqadani ku socoto aan leeyahay ma ogaanshiiyo la’aan baa ka haysa mise maba oga mise sidan la samaynayo ayaan raali ka yihiin.

Saleebaan Xuseen Axmed.

Hargeysa.

Top


Aynu Ilaalino Qaranimada.

Cimirga qaran wuxuu jiraa inta si sax ah loo fulinayo Dastuurka dal iyo Xeerkiisa.

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah, oo dhumo sare u leh qawaaniinta iyo shuruucda dalkiisa u degsan (oo ah dastuurka iyo xeerarka) una hogaansan, murana aanu ku jirin in xuquuqda muwaaadinimo farayso dhawristooda, aniga oo maanka ku haya ogolaanshaha uu I siinayo qodobaka 25-aad ee dastuurka farqadiisa 1,2 iyo 4aad, ka diba markii ay soo ifbaxeen xad-gudubyo badan oo lid ku ah dastuurka waxaan go’aansaday bayaankan gurmadka ah aniga oo talaabadaas u arkay lid iyo dhabar jab qaranimada iyo jiritaanka umadnimo.

Ka dib markii aan arkay digreetada Madaxweyne No: 22/2002 ee uu saxeexay madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahinkuna ogolaaday go’aanka G/wakiiladda/Kf/17/216/2002 ee 24/06/02 ku ansixiyeen xeerarka gobolada iyo degmooyinka JSL xeer No:23/2003 iyo go’aanka golaha guurtida ee JSL kalfadhigii 17aad/ go’aan 3/07/2002 ee 10/07/2002.
Haddaba waxa fajiciso iyo waxaan loo fadhiyin ugu noqotay xad gudubka badheedhaha ah ee uu madaxweynuhu la beegsaday qawaaniinta iyo xeerarkii ummadda, ee loogu codeeyey 97%, isaga oo jebiyey kuna xad gudbay qodobka 35aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka iyo qodobka 48aad/ qodobka 94aad ee dastuurka qaranka oo tilmaamaya in ay reebantahay Mudane ka mid ah golayaasha deegaanka iyo golayaasha qaranka aanay qaban karin xil kale oo dawladeed, kaa oo ay dhacday haddaba idinka oo ay tahay hawshiina waajibaadkii golaha wakiiladda waad afgaran laadihiine madaxweynaha caawiya oo mariya sifaha sharciga ah.

Haddaba, waxaan idinkula dar-daarmayaa dadka ninka ugu il-dheerbaa ugu ayaan darran ee haygaga tegina idinka oo jooga.

Prof: Xasan Axmed Warsame, Hargeysa.

Top


Cadaalad Daro Waa Cadaab.

Waxaan halkan uga soo gudbinayaa saxaafada xorta ah Salaanta qiimaha badan ee ay ina farayso diinteena xaniifka ah , waxaan mar labaadka u soo gudbinayaa mahad balaadhan oo ka turjumaysa shucuurta iyo dareenka qalbiga oo ku yididiisha wararka darayga ah ee boqolaalka kun ee mayl ay nagu soo gaadhsiiso saxaafadayadu waxaanan leeyahay waad ku mahadsantihiin dadaalka iyo kartida aad u muujiseen waxaanan idiin sheegayaa inaad quluubta qurba jooga meel halis ah kaga qorantihiin taariikhda S/landna aad ka geli doontaan baal dahab ah , Waxaan mar sadexaadka idinka codsanayaa inaad maqaalkan iga gaadhsiisaan dhamaan mujtamaca reer S/land, maqaalkani wuxuu si gaar ah ugu socda Golayaasha Guuritda , Hay'adda Maxkamadda sare ee dalka iyo Garsoorka iyo Caddaalada , Axsaabta mucaaradka ah, xukumadda S/land iyo khusuusan Gudida Komishanka doorashooyinka.

Qormada maqaalkaygan waxaan ku tilmaamayaa waxay tahay caddaaladu , qiimaha cadaaladu leedahay , siday S/land ugu baahanay , cidda fulin karta , waxa ragaadin kara iyo cawaaqibka ka iman kara hadii cadaalad la waayo.

Golayaasha guurtida iyo Wakiilada, Gudida komishanka doorashada ,Axsaabta mucaaradka ah, Hay'adda Garsoorka iyo caddaalada, Dawladda S/land iyo golayaasheeda wasiirada, wakiilada , maareeyashaasha, Agaasimayaasha, Taliyayaasha ciidamada militeriga, boliska iyo sirdoonka qaranka waxaanu u sheegaynaa hadaanu nahay qurba joogga reer S/land inay dhawraan, ilaaliyaan, xafidaan oo ay indho soo jeeda ku hayaan jiritaanka Caddaaladda kana digtoonaadaan, Dulmiga, duudsiga, eexda qaraabakiilka, laaluushka iyo lunsiga hantida dadweynaha iyo qaranka.

Caddaaladu waa wax aan la'aanteed la heli karin nolol wanaagsan oo aan werwer lahayn waana muraayadda laga daawado qaab nololeedka ay beel, deegaan, dal ama mujtamac u nool yihiin ee ka turjunta deganaanshaha, xasiloonida iyo niyad samida ay mujtamacaasi u nool yihiin, Caddaaladu waa aasaaska iyo tiirarka nolosha waana qalabka loo adeegsado marka la rabo in la bineeyo maamul loo siman yahay oo deeqa inta hoos timaada oo ay ka mid yihiin dad , duunyo , duurjoog iyo deegaanka marka lagu daro biyo ku noosha baddaha iyo harooyinka guntooda ku nool.
Caddaaladu waa hoy , hadh iyo hanti lagu soo hirto lana soo haybiyo oo halka lagu tilmaamo ay cid waliba baadi doonto ,caddaaladu waa saadka iyo sahayda nolosha , dhinac kasta oo laga eego caddaaladu waa wax aan la'aanteed la noolaan karin hadii la waayana waxaa la waayayaa dhamaan aasaaska nolosha oo ay ugu horayso Nabadgelyadu.

Hadaba si aynu u helo caddaalad iyo sinaan ayaa waxaynu u soo marnay wado dheer iyo jid aynu kula soo kulanay inta dhibaato aduun jirta oo dhan , waxaynu inaga oo raadinayna caddaalad aynu soo marnay dil , dhac, kufsi , jidh dil , xabsi , waxaa u dhintay baadi goobka caddaalada kumanyaal geesi waxaa u goblamay kumanyaal hooyo oo maanta aan cid iyo ciirsi toona haysan noloshoodiina ku dambaysay dewarsi iyo in ay gidaarada seexdaan oo qalbiga iyo indhahaba ka ooyaya habeen iyo maalinba, waxaa u agoomoobay boqolaal kun oo caruur ah oo maanta aan haysan aabe daryeela noloshoodiina ay soo wajahday dayac , gaajo , haraad , arad , cagaag iyo waxbarasho la'aan oo mustaqbalkoodii madow yahay , raadcada iyo baadi goobka Caddaalada waxaynu u hurnay malaayin iyo malaayin lacag ah , waxaynu u hurnay wax ala wixii aynu hanti iyo aduun haysanay ee dhex yaalay S/land ee lahaa Dahab , Dheeman , Gawaadhi , Maraakiib , iyo Khasnado ay lacag nooc kastaaba dhex jiiftay , waxaanaynu ka door bidnay waxaas oo hanti iyo maal aynu haysanay oo aynu weliba u hurnay nafteenii oo aynu geeri u soo xidhnay sidii aynu heli lahayn Caddaalad.

Inaga oo soo marnay waxaynu ogayn oo aan qalin iyo warqad lagu soo koobi karin oo qalin iyo warqad iska dhaafe aan lagu soo koobi karayn wixii ina qabsaday malaayin iyo lag xaashadood oo ay ina qoyan yihiin nabaradii inagu dhacay oo aynu maalin walba arkayno xabaalo lagu aasay dad la xabaal nololeeyey ayaa maantana waxaa ina soo wajahay maalmo madow oo u eg kuwii aynu ka dagaalanay oo ay sababtay Caddaalad darradu oo kale.

Waxaynu galay doorasho xor ah waxaanay u dhacday si aad iyo aad u qurux badan waxaana ku amaanan shacabkeena qaaliga ah ee sharafta iyo karaamada ilaahay ku manaystay waxaanay si xilkasnimo leh u guteen waajibkoodii iyadoo aad arkayso sida wararku nagu soo gaadhayaan laba walaalo ah oo guri kasoo wada toosay oo mid waliba xisbi gaar ah u codeeyey , waxaad arkaysaa hooyo iyo aabe nolol wadaagay oo u kala codeeyey laba xisbi oo kala jaad ah , waxaad halkaa ka daalacanaysaa sida ay u bislaadeen shacabkeena qaaliga ahi ee sida sharafta iyo wanaagu ku jirto ugu codeeyey xisbiyadeena qaranka oo dhamaantood ah xisbiyo ka dhex abuurmay mujtamaca reer S/land mid kastaana xaq u leeyahay inuu hogaamiyo shacabkiisa iyaga oo kala jiidanaya codka shacabkooda waana mid ku waajib ah axsaabtu inay shacabka tusaan soona bandhigaan istiraatijida uu mid kastaaba doonayo inuu ku hogaamiyo dalka iyo dadka.

Hadaba waxay ayaan darradii ugu weyneyd dhacday ka dib markii Shir gudoonka labada gole ay faro gelin ku sameeyeen Gudidii komishanka , waa sida warku nagu soo gaadhayo'e waxay shir gudoonka labada gole u kala dab qaadeen madaxtooyada iyo xarunta gudida doorashooyinka , iyagoo faro gelin caddaan ah ku sameeyey gudidii komishan xilkiina kala wareegay ayay shirgudoonka labada gole maroorsadeen taladii oo markii ugu horaysayba waxay bedeleen wakhtigii loo cayimay ku dhawaaqista doorashada oo ku beegnayd 18 April 2003 oo ahayd maalin jimce ah iyagoo shirgudoonka laba gole amar ku siiyey Gudida komishanka inay dib u dhigaan ku dhawaaqista natiijada iyagoo ku andacoonaya waxaa jirta cabashooyin ka imanaya dhinaca Udub sidaa aawadeed waa in aad dib u dhigtaan ku dhawaaqista natiijada oo ka dhigtaan maalinta sabtida oo ay u qabteen sagaalka subaxnimo , Waxay hadana isla sabtidii dib ugu riixeen gelinka danbe ee isla maalintaas , waxay fara gelinta shirgudoonka labada gole ay dib u dhigeen ku dhawaaqista natiijada laba jeer oo kala danbeeya , waxay arintaasi yaab ku noqotay dhamaan shacabka reer S/land oo dareemay inay jiraan waxaan markaa la saadaalin karayn laakiin waxaa cadaatay inay jiraan sababo dib u dhigaya ku dhawaaqista natiijada doorashada waxaana soo baxay shaki fara badan iyo dareemo shiiqiyey niyad samidii shacabka gudo iyo debedba oo diyaar u ahaa dabaal deg loo dabaal dego kolba xisbaga guushu raacdo waxaana dadkii ku dhacay jahawareer iyo amankaag.

Waxaa lagu dhawaaqay natiijadii doorashada waxaana la iclaamiyey in uu guulaystay xisbiga Udub waxaase isla markiiba gaashaanka ku dhuftay xisbiga Kulmiye oo diiday natiijadii doorashada kuna tilmaamay inaanay ahayn natiijadii rasmiga ahayd ee la isla ogaa , waxaa markaa sii xoogaystay shakigii ay shacabku qabeen muxaafid iyo mucaariba , waxay ahayd hadaba arinta shakigii rumaysay ka dib markii ay shir gudoonka labada gole qirteen inay cabasho uga timi dhinaca dawlada oo uu u yeedhay madaxweyne Dahir Riyaale , waxaa yaab iyo afkala qaad noqotay markii ay qirteen weliba inay ajiibeen baaqii madaxweynaha oo ay shirgudoonka labada gole sheegeen inay ergo ahaan ugu tageen gudida komishanka iyaga oo sida dhanbaalkii cabashada ahaa una socdaan dhexdhexaadin.

Hadaba halkaa waxaa ka muuqda faro gelin ay shirgudoonku ku sameeyeen arimihii doorashada , waxaa kale oo layaab ku noqotay shacabka reer S/land sida ay uga jawaabeen gudida doorashooyinku cabashadii ka soo yeedhay xisbiga kulmiye ka dib markii uu sheegay in uu hayo cadaymo oo qayb cadaymahaas ka mid ah ay ku soo bandhigeen shir jaraa'id oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo ay ka mid yihiin goobjoogayaashii ajaanib ka ahaa , culimaa'udiin , Saxaafadda xorta ah iyo weliba gudoomiyhii gudida komishanka oo isaguna ka hadlay goobtaas qirayna in bani'aadamku khaldami karo loona baahan yahay in hadii khalad dhaco la saxo , ayaa waxaa hadana cajiib noqotay jawaabta C/laahi Jawaan ee ku wajahan xisbiga kulmiye isaga oo tilmaamay inay dhaleeceeyeen gudida komishanka isaga oo weliba C/laahi ku hanjabay inay si toos ah uga hortegi doonaan waxa uu ku tilmaamay cambaaraynta iyo dhaleecaynta kulmiye ku wado gudida doorashooyinka , waxaa la yaab ah sida erayada C/laahi Jawaan ay uga maqan yihiin caddaaladii iyo garsoornimadii uu qaaday iyo weliba dulqaadkii ku waajibka ahaa cid kasta oo qaada xil garsoornimo , waxyaabaha yaabka ah waxaa ka mid ah baaqa C/laahi Jawaan ugu baaqay maxkamadda sare ee uu ku leeyahay Waxaanu ka codsanaynaa inay maxkamdda sare ansixiso natiijada saxda ah oo uu uga gol leeyahay natiijada ay komishanku ku dhawaaqeen oo C/laahi caddeeyey inaanay sinaba uga noqonayn inkasta oo aanu marna afkiisa soo marin C/laahi bal in lagu noqdo hubin iyo in la qanciyo xisbiga cabanaya.

Hadaba waxaa muuqda khaladaad badan oo ay masuul ka yihiin Shirgudoonka labada gole iyo gudida komishanku sidaa aawaadeed waxaanu doonaynaa inaanu ogaysiino inay xasuustaan cawaaqib xumada ay leedahay caddaalad daradu , waxaanu xusuusinaynaa inuu dulmigu yahay wixii ilaahay naftiisa ka xarimay adoomihiisana ku amray inay ka dheeradaan , waxaanu xusuusinaynaa inay ogaadaan in ay caddaalad darradu ahayd wixii aynu ka dagaalanay ee aynu naf iyo maalba u hurnay oo cidina aanay qaayibin qaadana karin , waxaanu xasuusinaynaa in hadii ay naqaan gar eexo wax kasta oo ka yimaada ama ay sababto dulmiga ay naqaan uu dumadooda saaran yahay , waxaanu xasuusinaynaa inaanay aduunyada maanta oo qudha ahayn ee ay taariikhdu qori doonto ficil kasta oo ay ku kacaan mid xun iyo mid wanaagsanba , waxaanu xasuusinaynaa in ay labada gole , Gudida komishanka iyo hay'adda garsoorku (maxkamdda Sare) masuul ka yihiin wax alaale iyo wixii ku dhaca xaq darro iyo caddaalad xumo oo ay iyagu dalka iyo dadkaba masuul ka yihiin wixii soo gaadha.

Anaguna hadaanu nahay muwaadiniinta qurba joogga ah ee u soo hayaansan dalkooda waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu dalkayga iyo dadkayagaba belaayo ka hayo waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu masuuliyiinta shacabkayaga xaqa waafajiyo kana dhawro caddaalad darro , dulmi iyo gar eexo oo badheedha inay u naqaan si badheedh ah.

Siciid Suleiman.

Top


WAADIGA CIYAARAHA, A/fataax M. Caydiid.

“Beckham Waxa Lagu Xukumi Doonaa Awoodiisa Ciyaareed Ee Laguma…...”
Roberto Carlos.

Madrid (Reuters) - “Kabtanka England David Beckham waxa lagu xukumi doonaa awoodiisa ciyaareed ee laguma xukumi doono sawirkiisa suuqeynta (Marketing) ee Real Madrid”. Sidaa waxa yidhi difaacyahanka reer Brazil Roberto Carlos.

“Real Madrid ma ah meel sawiro iyo xayeysiis. Waxaanu nahay koox kubad caged, waanuna ognahay in ay ujeedadayadu tahay in aanu ciyaaraha ku guulaysano oo aanu koobabkana ku guulaysano. Waxaan hubaa in Beckham ku socdo inuu halka kubadda cagta uun ku koobnaado.” Roberto Carlos, ayaa sidaa u sheegay Wargeyska maalinlaha ah ee ciyaaraha ka faallooda “Marca”, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi: “Beckham waa ciyaartoy weyn, waxaanu xoojin doonaa kooxda. Waxa aan doonayaa in ay dhacaan waa marka uu ciyaarta ugu horeysa ciyaaro inuu noqdo ka ugu wanaagsan, sidaas darteed qof waliba uu arko inuu yahay ciyaartoy tayo wanaagsan leh. Dariiqadaas ayaa soo geba-gebeyn doonta odhaahaha sheegaya in aanu ka badnayn dacaayadaha oo keliya.”

Beckham oo ku soo biiray Real Madrid, kadib markii uu ka soo wareegay Manchester United bishii hore, ayay soo saareen dad badan oo ah kuwa ka faallooda ciyaaruhu ee dalka Isbayn inuu yahay wax dheeraad ku ah wixii ay u baahnayd kooxda Real oo siinaya tayo aad u sareysa oo khadka dhexe ah.

Ku soo biirida kabtanka England, si kasta ha ahaatee, waxay u muuqataa in ay qayb ka tahay siyaasadda kooxda ee xoojinta sawirkeeda, gaar ahaan suuqayada qaaradda Aasiya ee aadka muhiimka u ah. Laakiin Roberto Carlos ayaa sheegay inuu rumaysan yahay marka xilli-ciyaareedku bilaabmo in ciyaartoyga hore uga tirsanaa kooxda Manchester United lagu kala saari doono ciyaar-wanaagiisa kubadda cagta ee uu soo bandhigo.

“Wakhtigan aynu taaganahay qofkastaa wuxuu hadlayaa sida wanaagsan ee uu u egyahay iyo fiicnaantiisa, balse marka uu bilaabo inuu ciyaaro waxaas oo dhammi way isbeddelayaan,” ayuu yidhi Roberto Carlos.

Top


Mexico Oo 1-0 Kaga Adkaatay Brazil Tartanka CONCACAF Gold Cup.

Mexico City (AP) - Jared Borgetti ayaa dhaliyay gool uu ka fiirsaday daqiiqadii 79aad Axadii, kaas oo ay Mexico kaga adkaatay 1-0 dalka Brazil ciyaartii wareega furitaanka koobka CONCACAF Golden Cup.

Brazil way ka ciyaar fiicnayd martisoorayaasha Mexico ciyaartii gelin dambe dhacday inteedii badnayd, balse Daniel Osorno ayaa dejiyay goolkii guusha ciyaartu ku raacday, kadib markii uu gilgilay difaacii, kadibna baas dhinaca bidix uga soo baasay Borgetti, kaas oo madaxa kaga dhuftay kubadda meel dhow goolkana dhex dhigay.

Dad badan ayaa u arkayay in guusha ciyaartu si lama huraan ah u raaci doonto Mexico oo haysata tababaraha gaamuray ee reer Argentine ee Ricardo Lavolpe.

Tababare Lavolpe, wuxuu sheegay ciyaartan ka hor inuu filaayo in ay kor u soo kici doonaan ciyaartoygiisu si ay ula loolamaan uguna jawaabi doonaan ciyaartan muhiimka ah oo kale.

Way dhacday taasi, ciyaartoyda Mexico-na waxay awoodeen in ay muquuniyaan ciyaartoyda martida u ahayd oo difaacoodu khibrad yaraa, kadibna way dhamaatay, Lavolpe ayaa guusha ka yidhi: “Guushan ayaa isu duba-riday kooxdaydii, tana waxay ahayd wax kalsooni geliyay ciyaartoydayda.”

Daqiiqadihii hore ciyaarta ciyaartoyda Mexico ayaa kubadda la galay gudaha qaybta Brazil dhawr jeer, laakiin Brazil waxay kala hortimid difaac adag oo niyad xumo ku riday kooxda martida loo ahaa iyo taageerayaal goor dambe yimid oo gaadhayay 70,000 qof garoonka caasimada Mexico ku yaal ee Azteca Stadium.

Fursadii Mexico ugu wanaagsanayd waxay heshay daqiiqadii 10aad, kadib markii Rafael Garcia uu jebiyay khadka dhexe uuna laad xoogan oo sare ku dhuftay, kaas oo goolwadaha Brazil, Gomes dhaafay, balse dhinaca midig ka martay goolka. Brazil ayaa kantarooshay, gacanta sarena lahayd wakhtigii dambe ee qaybta hore ee ciyaartaas, iyagoo weerar isdaba joog ah ku hayay difaaca Mexico. Daqiiqadii 22aad ayuu weeraryahanka Brazil, Robinho kubad ka dhex booday laba difaac, hase yeeshee kubaddaasi waxa uu mariyay gool dhinaciisa bidix.

Mexico imika waxay hogaaminaysaa Group A, waxaanay u gudbaysaa quarterfinals-ka haddii ay ka guulaysato Honduras ciyaarta ay khamiis la yeelanayso.

Laba kooxood ee afarta guruup ee tartanka koobka dahabka ah ee CONCACAF ugu sareeya ayaa u soo gudbi doona quarterfinals-ka sabtida dambe oo lagu qaban doono magaalada Foxboro ee gobolka Massachusetts dalka USA oo laba ciyaarood lagu qaban doono, halka magaalooyinka Miami iyo Mexico City lagu qaban doono min hal ciyaar. Kooxa ku guulaystaa waxay u soo gudbi doonaan semifinalska oo lagu qaban doono Miami july 23 iyo Mexico City July 24. ciyaarta kama-dambaysta ahna, waxa loo qorsheeyay in ay ka dhacdo caasimadda Mexico July 27keeda.

Koobka dahabka ah waxa weeyaan horyaalka qaarada waqooyiga iyo badhtama Ameerika iyo jasiiradaha Caribbean-ka loo yaqaan, iyadoo weliba labada dal ee Brazil iyo Kolombiyana lagu soo casuumay. Brazil waxay soo dirtay kooxda ciyaartoyda 23-jirka ka hooseeya ah oo uu tababare u yahay Ricardo Gomes oo sheegay in aanay ujeedadoodu ahayn in ay ku guulaystaan koobka.  

Top