Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 376 July 16, 2003

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Saartay War Ku Saabsan Duqayntii Maraykanku U Geystay Jasiiradda Ceebaad.

Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Oo Koofiyado Loogu Deeqay.

Golaha Deegaanka Boorama Oo Soo Saaray Go’aano.

Maxkamadaha Iyo Muranka Lamaanaha, Xadiis M. Xadiis.

“Waxa Xasuuqii Jasiira Ku Jiray 7 Qof Oo Aabahay Ka Mid Yahay,” Jamaal Xuseen.

Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ku Guda-Jira Doodo Ku Saabsan Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka.

Khilaafaad Hadheeyay Shirka Kooxaha Somalida Ee Kenya.

Golaha Maamulka Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Samaynta Maxkamad Lasoo Taago Sadam.

Liberia Oo Soo Dhoweysay Ciidamada Dalkeeda La Keenayo.

Ra’iisal-Wasaaraha Isra’il Oo Booqanaya Britain.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xukuumadda Somaliland Ma Galbeed Ayuunbay Dawlad U Tahay?

Biyo La’aantu Joogto Ayay Noo Noqotay.

Hadraawi Kuwii Horeba Naf Ka Waaye Xamar.

Is Barbardhiga Tayada Xukuumadihii Tuur, Cigaal Iyo Rayaale.

Halagu Dhaqmo Dastuurka Somaliland.

Qaxootiga Lasoo Celinayaa Waa Cuna-Qabatayn Cusub, Bashiir Kaarshe - London.

Kooxda Haatuf Oo 44 - 35 Dhibcood Kaga Adkaatay Al-Aqsa.

Guddoomiyaha Ururka Sysa Oo Hambalyo U Diray Kooxda North Stars Oo
Ku Guulaysatay Koobkii 2003 Ee Dalka Kanada.


Xukuumadda Somaliland Oo Soo Sartay War Ku Saabsan Duqayntii Maraykanku U Geystay Jasiiradda Ceebaad.

Hargeysa (Haatuf): Wasaaradda kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha ee Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku muujisay sida ay uga xunyihiin duqeynta ay ciidamada Maraykanku u geysteen jasiiradda Ceebaad iyo badda ku hareeraysan oo ay sheegeen in loo aqoonsanyahay goob loo xidhay noolaha badda.

Warsaxaafadeedkaa sida lagu sheegay uu soo saaray afhayeen u hadlay wasaaradda Kaluumaysiga oo la yidhaa Aadan Axmed Xaamud, jasiiraddaha Sacdu-Diin iyo Ceebaad, waxay ka tirsan yihiin goobaha urur goboleedka in urur goboleedka Badda Cas iyo Gacanka Cadan (PERSGA) uu u calaamadiyey in lagu Ilaaliyo noolaha kala gedisan ee badda.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku sheegay in dawladda Somaliland hore ugu dhawaaqday inay goobta ay labada jasiiradood ku yaalaa ay tahay meel ka caagan waxyeelaynta deegaanka badda.

Sidaa darteedna ay ka xun yihiin in dhibaato loo geysto deegaankaas, oo muhiimad gaar ah u leh guud ahaan kan Gobolka badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo weliba gaar ahaana Deegaanka badda Somaliland.

Warsaxaafadeedkani wuxuu ka dambeeyey ka dib markii shalay uu Wargeyska Haatuf qoray war ku saabsan ciidamada Maraykanka ee Cirka ee saldhigoodu yahay Djibouti ay duqeyn u geysteen jasiiradda Ceebaad iyo biyaha ku wareegsan, kaas oo waxyeelo u geystay ugaadhii bad iyo berriba ku nooleyd deegaanka jasiiraddaasi oo Magaalada Saylac dhinaca Waqooyi ugu quman.

Xukuumadda Somaliland wax wara oo dhaafsiisan warsaxaafadeedka, wasaaradda kaluumaysiga kamay soo saarin arrintan, isla markaana warsaxaafadeedku ma tilmaamin duqeyntaa cidii iyo sidii loo geystay midna.

Dhinaca kale khubaro madax banaan oo u waramay Haatuf ayaa walaac weyn ka muujiyey in garaacistii diyaaradaha Maraykanku ay waxyeelo weyn u geysatay deegaanka (Environment) ku xeeran jasiiradda Ceebaad iyo jasiiradda kale ee ku ag taala ee Sacdu-Diin, ee juqraafi ahaan ku dhaca dhigta 43° ee xeebta Saylac.

Sida laga warqabo buqcadani waxay leedahay deegaan ku yaala biyaha badda hoostooda oo ay ku nool yihiin makhluuqaad cajaayib le oo ay ka mid yihiin kaluun midabo qurux badan oo kala duwan leh, dhir indhaha soo jiidanaysa iyo noolayaal kale oo fara badan, waxaana dhamaantood ku deyran oo ay dhex sabeeyaan buuro shucaabi ah. Deegaanka badda hoosteeda ee ku xeeran labada jariiradood ee Ceebaad iyo Sacdu-Diin, waxa u ka mid yahay meelaha ugu quruxda badan deegaanada badda hoosteeda ee ka jira dunida, iyada oo kuwa tirada yar ee la midka aha ama u dhigma ay sanadwalba u dalxiis tagaan boqolaal kun oo dad ah oo u daawasho iyo aqoon-korodhsiba taga.

Urur Goboleedka Badda Cas iyo Gacanka Cadan ee xaruntiisu tahay magaalada Jeddah ayaa 12 goobood oo ku yaala baddaas oo ay ka mid tahay buqcadda ay ku yaaliin Ceebaiyo Sacdu-Diin, u aqoonsaday meelo mudan, in deegaankooda si gaar ah loo ilaaliyo.

Xubnaha urur Goboleedkan dhamaantood waa dalal Carab ah, waxaanay kala yihiin Masar, Urdun, Sucuudiga Soodaan, Yemen iyo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, mana jirto sabab ay Soomaaliya xubin uga sii noqotaa ururkan, maadaama aanay xeer ku lahayn mandaqada Badda Cas iyo Gacanka Cadan, taas oo dhulkii ay Soomaaliya uga soo geli jirtay xeebtaasi u noqday mid dhamaatay ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Top


Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Oo Koofiyado Loogu Deeqay.

Hargeysa (Haatuf) - Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Somaliland, ayaa shalay la soo gaadhsiiyay deeq koofiyado ah oo gaadhaysa 95 xabo. Deeqdaas oo ay soo direen Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool qurbaha, waxa soo gaadhsiiyay ciidanka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bulaale, waxaana ka gudoomiyay Taliyaha Qaybta Nabadgelyadda Wadooyinka, Maxamed Cabdi Liibaan, kaas oo u mahadceliyay dhallinyaradii isku soo xilqaantay ee soo dirtay Hadyaddan koofiyadaha ah.

Top


Golaha Deegaanka Boorama Oo Soo Saaray Go’aano.

Boorama ( Haatuf) Fadhi ay yeesheen golaha deegaanka Boorama,uuna guddoominayey Guddoomiyaha Golaha deegaanka ,ahna Duqa Boorama Cabdiraxmaan sh.cumar ,ayaa waxay soo sareen go'aammo wax lagaga qabanayo arrimaha Deegaanka Boorama ,sooclelinta xafiiska tirada dadka,joojinta dhulka aan sharciga lahayn,caafimaadka guud,iyo bannaynta jidadka xidhan ee magaalada Boaorama.

Sida uu ku soo waramay wariyaha haatuf ee Boorama Maxamad cumar Fadhigaasi oo ay u dhammaayeen xubnaha golahaasi 21ka ahi,waxa uu ahaa fadhigii labaad ee noociisa ah .Isla shalay waxa Xubno ka tirsan golaha deegaanku oo uu la socdo duqa Boorama Cabdiraxmaan sh. Cumar ay dib u bilaabeen calaamadaybta seerihii Boorama oo la doonayo in dib loosoo celiyo bilicdii uu lahan jiray.Seerahan oo ku yaalla galbeedka magaalada,waxa sameeyey gumaysigii ingiriiska balse beryahan dambe ayaa qaar dadweynaha ka tirsani waxay kasamysteen dhulbeereed aan sharci ahayn iyo dhismayaal taasoo xaalufisay dhirtiiseerahaasi lahaan jiray.Dhinaca maamulka dawladda Hoose ayaa waxa ka le oo uu ku dhaqaaqay in la joojiyo dhulbeereedka ku faafay deegaanka Boorama taasoo keentay in xoolihii meel ay daaqaan ay waayaan sidaa darteed beer dambe aan la fidsan karin.

Dhinaca kale dadweynaha ku nool deegaamada idhanka iyo magaalo qalooc ooka tirsan deegaanka dila ayaa waxay si iskaa wax u qabso ah saddexdii maalmood ee ugu dambaysay ka shaqaynayeen biyo xidheenno yaryar oo laga samaynayo dhulkaasi si looga ilaaliyo nabaadguurka iyo xaalufka saameeyey guud ahaanba deegaankaasi. Waxa kale oo dadweynaha ku nool tuulooyinkaasi hawsha ka fulinayaan goobta lagu magacaabo Jufada oo ahayd dhulbeereed daadadku xoog ku maraan dhibaatooyinna u geydsta deegaanka.

Wararka kale ee kaa imanaya Boorama ayaa sheegaya Roobab xoogle oo habeen hore ka da'ay deegaamo ka tirsan degmada Borama oo geystay khasaare isugu jira hanti iyo xoolaba. Roobabkan habeen hore ka da'ay deegammada baadiyaha ah ee u dhexeeya Boorama iyo qulujeed ayaa waxay dileen xoolo farabadan isla markaana daadkii kasoo rogmaday qaadeen guryo ka samaysnaa aqal soomaali.Sida ay u sheegeen wariyaha duqayti ka tirsan deegaankaasi ,oo la yidhaa Doora-Jabis,kana mid yihiin Caaqil Cabdilaaahi Diiriye Samatar, Jaamac Cige Faarax, Aw Cilmi Cismaan waxay qaylodhaan u gudbiyeen maamulka deegaanka Boorama iyo hay'adaha samafalka ah si loola soo gaadho gurmad isgu jira dhar,cunto iyo bacaha roobka .waxay dhibto sii xoogeysan kartaa ayey yidhaahdeen haddii daruuraha roobabaka wata ee weli dul jooga deegaankaasi ay u da'aan sida kii habeen hore oo watay dabaylo iyo baraf.

Top


Maxkamadaha Iyo Muranka Lamaanaha, Xadiis M. Xadiis.

Markaad booqoto xarunta Maxkamadda qoyska, waxaa durbadiiba indhahaaga buuxinaya rag iyo dumar u fadhiya kooxo-kooxo, kuwaasi oo hoos-hoos u guramaya inta aanay weli qaadiga hortegi, si loo gaadho xal ka hor intaan muranku si rasmiya uga bilaabmin garsooraha hortiisa, halka ay kuwa kalena safaf dhaadheer u taagan yihiin albaabada garsoorayaasha.
Haddaba mar aan tegay shalay barqadii Maxkamadda Qoyska, waxaan kula kulmay koox dumar ah oo ay wejiyadoodana cadho ka muuqatay, dabadeedna waxaana waraystay mid ka mid ah dumarkii, waxaanay ii sheegtay mushkiladda iyo dhibaatada haysata, waxaanay tidhi: “Wuxuu igu yidhi ku furi maayo, kuna qabi maayo, masaariifna ku siin maayo.”

Gabadhaasi mushkiladda ay ka cabanaysaa ma ha oo keliya intaasi ee waliba waxaa u sii dheeraa ammaankeeda oo khatar ku jira oo waxay ka baqaysaa inuu dilo, waayo? Wuxuu ka xanaaqay bay tidhi “Samankii (Waarankii) aan u soo jaray ee Maxkamadda, waxaanu diidan yahay in aan dacweeyo oo uu xaqaygii I siiyo.” Sidaasi waxa ku cabatay haweenaydaas oo wakhtigaas ay ii waramaysay ay cabsi badani indhaheeda ka muuqatay, waayo bay tidhi: “Waxaan ka baqayaa markaan hadda ka baxo Maxkamadda inuu bannaanka ii istaago, hadduu I arkana qudhuu igaga jarayaa.”

Dhinaca kale, waxaa ii suurto gashay in aan la kulmo ninkii ay gabadhaasi ka cabanaysay, si uu isna dhinaciisa u soo bandhigo waxa ka jira arrintaasi.

Kiisaska iyo buuqa muranka lamaanayaasha ee shalay Maxkamadda hor yaalay kumuu ekayn intaasi oo keliya, balse waxa jiray dumar farabadan oo kale, waxaana ka mid ahayd gabadh wakhtigii aan la kulmay ku mashquulsanayd diyaarinta dacwadii ay ku soo oogi lahayd ninkeeda oo hadda xaaladoodu marayso meeshii ugu xumayd. Waa sida ay hadalka u dhigtaye, gabadhaasi oo inta ay ii waramaysay ay indhaheeda marba ilmadu ku soo istaagaysay, waxay ii sheegtay in ay iyadu weli ninka jeceshahay, inkasta oo aanay u jeclayn sidii hore, haddana aanay iyadu ka taagnayn halka uu isagu ka taagan yahay, hase yeeshee jacaylkeedu waa jacayl aan lagula wadin wakhtigaaga yuu lumin.

Gabadhaasi waxay sheegtay in ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii uu ninkeedu ku jeclaan lahaa, haddana ay quus ka taagan tahay dedaalkeedii iyo jacaylkeediiba. Gabadha oo aan weydiiyay sababta keentay inuu ilaa iyo xad sidaa uga haajiro? Waxay ku jawaabtay oo sheegtay in ay ninkeeda ku direen ehelkiisu, waxaanay gabadhu eedda oo dhan dusha ka saartay ninkeeda hooyadii oo ay ku tilmaantay in ay iyadu ka dambayso duminta reerkeeda.

Gabadhani siday ii sheegtay ninka waxay wada joogeen dhawr sannadood, weligeedna may xidhan diric uu siiyay, biil uu siiyay iska daayoo, iyadoo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi: “Haddaan habeen qudha xidhan lahaa diricna ha ahaadee wax uu I siiyay ciilba ima hayeen.”

Haddaba su’aashu waxay tahay, haddii aanay gabadhani weligeed xidhanin dhar uu u iibiyay, xagga masaariiftana ma sidaasuu ku ahaa, mise wuu bixin jiray?

“Weligii maalin qudhana ha ahaatee wax biil ah imuu siinin, maalintii aan isguursanay iyo maanta oon wiil u hayo.” Sidaas ayay ku dooday gabadhaasi.

Gabadhaasi waxa ay ii sheegtay ciilka iyo murugada ugu badan ee haysaa in ay tahay abaalgud xumada iyo nabsiga uu ninku iga galay. Arrintaana gabadhu waxay ku macnaysay iyadoo aanay waalidkeedu raali ka ahayn guurkoodii hore, balse ay iyadu ninka dookheeda ku raacday, balse dookhaba waxa ka soo horjeestay faamilkeedii oo ku yidhi: “Haddaa ninkaas guursato reerka dayraad ka tahay.” Markay ninkii isguursadeena waalidkeedii way dayriyeen oo waa laga saaray faamilkeedii.

“Reerkayagiina way I dayriyeen, isaguna sidaasuu ii galayaa.” Sidaasi waxa tidhi gabadha oo ilmada xajisan la’ayd inta ay hadlaysay, aniga laftaydu markay gabadhii ilmada sii daysay waxaan ku sigtay in aan la ooyo. Hase yeeshee, waxa la yidhi haddaad aragto nin caloosha waran kaga taagan yahay haw garaabine mid ay ka lulato arki doontaana mooyaane. Maahmaahdan, waxaan ula jeedaa haddii aan la kulmi lahaa ninkaa ay gabadhani sidaasi uga cabanayso, waxaa laga yaabi lahaa inuu isna sheegi lahaa waxaa ay sheegtay iyo kaba daranba, balse nasiib wanaag ninkaasi wakhtigaa maxkamadda xaadir kuma ahayn.

Sidoo kale, waxaan la kulmay isna hirig isku ah, kuwaas oo aan wali guri gelin, balse uu durbaba khilaaf ba’ani hadheeyay intii aanay kaba guul gaadhin arooskoodii. Gabadha qoyskaas uu arooskii ka murgacday oo aan wax ka weydiiyay sababta uu la saldhigi la’ yahay arooskoodii, waxay ku cabatay inuu ninku dayacay oo ka soo bixi waayay kaalintiisii, taas oo ay ku cabatay inuu baylihiyey oo ka faa’iidaysan waayay wakhtigiisii.

“Waxaanu isku mehersanayn 3 sannadood, maalin qudhana biil ima siin, reerkayagiina wuu diiday inuu u tago, sidaa darteed maanta wax niyad ah uma hayo.” Sidaas waxa tidhi gabadhaasi oo ahayd wakhtigii ay ninkaasi isguursadeen 13 jir iyadoo ay maantana da’deedu tahay 16 jir.

Dhinaca kale, waxaan isna la kulmay ninka gabadhaasi iska laadlaadeen, waxaana wax ka waydiiyay bal waxa uu ka qabo eedahaasi ay gabadhiisu ninkaasi oo ay wajigiisa ka muuqatay. Farxad la’aan badani waxa uu ii sheegay wax ka duwan wixii ay gabadhu ii sheegtay ninkaasi in aanu gabadhaa gabin, kana soo bixi waayin waajibaadkeedii, balse hadda wixii ka horeeyay uu ahaa bilaa camal, haddana uu diyaar u yahay gurigii uu ku aroosi lahaa iyo qalablkiisii oo dhanba. Ninkaasi waxa uu ii sheegay in ay dad kale ka dhex shaqaynayaan isaga iyo gabadhiisa, balse aanay iyagu qoys ahaan is diidanayn.

Dhinaca kale, gabadha oon intaa kadib waydiiyay in ay diyaar u tahay in ay ninka la dhaqanto mar hadduu ninkii iminka dib ka soo hagaagay waxay tidhi; “Wuxuu iga yahay aabahay oo kale.”

Top


“Waxa Xasuuqii Jasiira Ku Jiray 7 Qof Oo Aabahay Ka Mid Yahay,” Jamaal Xuseen.

Hargeysa (Haatuf): Jamaal Xuseen oo aabihii iyo dad eheladiisa ahi lagu dilay xasuuqii xeebta jasiira ee ka dhacay Xamar 15-kii Julay 1989-kii ayaa Wargeyska Haatuf uga waramay sida ay shakhsi ahaan arrintaasi ugu dhacday qoyskiisa.

Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga oo ka mid ahaa dadkii dadkooda lagu xasuuqay xeebta Madaw ee Jasiira, waxaanu ahayn qoyskii labaad ee ugu dadka badnaa ee dadka la xasuuqay”.

Mr Jamaal waxa kale oo uu sheegay in aqalka lagala baxay aabihii iyo dadkaa ehelkiisa ah uu ahaa aqalka seedigii, isaga oo ka hadlaya sida ay u dhacday arrintanina waxa uu yidhi “waxa guriga seedigay laga baxaytodoba qof oo uu aabahay ku jiro, iyo saddex inan oo aanu ilma adeer ahayn oo wakhtigaas jaamacadda ka baxay, iyo laba inan oo kale oo ay saaxiibo ahaayeen ilmaadeeraday, oo habeenkaas aqalka la seexday, iyo seedigay oo ahaa ninka guriga lagala baxay lahaa”.

Waxa uu intaa ku daray Jamaal in inan yar oo xiligaa da’diisu tahay 7-sano ah, lagaga tagay markii ay todobadii kale ku doodeen inuu yahay wiil yar, isla markaana aanu ahayn qaadh gaadh, sidaana lagaga tagay ka dib markii ay dood badani ka dhacday.

Jamaal isaga oo sharaxaya dadkaa lagala baxay guriga Seedigii waxa uu yidhi “Xuseen Muxumed Faarax, civil Servant waxa uu ahaa, aabahay, baashe c/laahi heeaan ganacsade, C/Raxmaan axmed dhimbiil, civil servant, Axmed Xasan Cilmi (Dheereeye), ciyaaryahan, muxumed c/laahi warsame ganacsade, maxamuud baadle civil servant, jaamac aadan civil servant, iyo wiilka yar ee laga reebay Dayib Axmed”.

Jamaal waxa uu sheegay inuu isagu markaa ku sugnaa halkii ay u qaxeen dadka Reer Somaliland Itoobiya, isla markaana aanu xiligaa goob joog ahayn, balse looga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isaga oo faah-faahinaya waxa uu yidhi “Markii xasuuqaasi dhacay anigu waxaan joogay Itoobiya, balse waxa la iigu sheegay sidan, waxay ahayd goor saq-dhexe ah, markii ay askartaasi u soo dhaceen guriga, ee ay kala baxeen toodobada qof, ee uu aabahay ku jiray, isaga oo aanu aabahay guriga hore u geli jirin, laakiin habeenkaa uu maqlay in caawa la doonayo in xaafad ka tirsan xaafadaha Muqdisho oo markaas ahayan xaafada ay degenyihiin dadka loo aanaynayo isirka waa xaafadda Hodan la yidhaahdo, in la doonayo in habeenkaa lagala baxo ragga Isaaqa ah, sidaa darteed wuxuu aabahay ahaa sarkaal ku xigeen police-kii Soomaaliya ah, oo aan markaa shaqayn, sidaana wuxuu ugu yimid gurigaa isaga oo islahaa yaan lala bixin, inamadii ee caawa u tag, sidaana u ugu yimid, gurigaa ay masiibadu ka dhacday markii haddaba lagu garaacay gurigii qaarna ay u soo dhaceen, gurigii ayuu aabahay soo toosay, waxaanu furay albaabkii guriga, waxaana isla markiiba ka hor geeyeen bib iga jooga, waxaan ahay nin police ah, waxaana loo joojin waayey hadalkiisii, sidaasayna askartaasi gurigii hore u galeen, waxaan sariirihii ka soo dul kiciyeen inamadii oo hurda, dhamaatoodna la soo dareeriyey, waxa la ii sheegay in wiil yar todoba jira la isku qabsaday wakhti ilaa saacada oo uu aabahay diiday, in la raaciyo wiilkan yar ee Dayib Axmed, xataa ka yar oo sariir sii hoos gelaya ay askartu ka soo saareen, iska kasta ha ahaatee markii la isku mari waayey ayey askartii yidhaahdeen inaga sii daaya cunuga, sidaana lagu sii daayey, intoodii kalena la dareersaday.

Waxa kale oo la ii sheegay in labada inan ee martida ku ahaa gurigaas ee ay saaxiibada ahaayeen inamada ilmaadeeraday ay u yimaadeen guriga si ay ugu badbaadaan, maadaama ay is-lahaayeen guriga in aabahay oo police ahi seexanayo inuu ka badbaadin doono, sidaana ay guriga u seexdeen, sidaana Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee lixdoodii iyo aabahayba lagu laayey xeebta Jasiira.

Gurigii waxa ku hadhay gabadhii guriga lahayd, ee aanu ilmaadeerka ahayn, laba caruura oo ay dhashay iyo wiilkii yaraa ee laga reebay, ay markii dambe u galeen safaaradihii reer galbeedka, iyada oo ay markii dambe amnesty International soo dhex-gashay, oo ay gacanta u gelisay faransiiska”.

Gebagabadii waxa uu Jamaal waxa uu ugu baaqay hay’adaha xuquuqda aadamaha, kuwa qaramada midoobay, iyo cidii kale ee ay khusaysabam in maxkamad la soo dadkii ka dambeeyey xasuuqi dadkaas lagula, isaga oo dawladaha ay dadkii xasuuqaa ka dambeeyey dalalkooda ku sugan yihiina ugu baaqay inay dadkaas cadaalada horkeenaan.

Sidoo kale waxa uu Jamaal sheegay in dadkii ka dambeeyey xasuuqaasi ay yihiin kuwa maanta ku shiraya dalka Kenya, isla markaana loo baahan yahay in xeerka la horkeeno, balse taa bedelkeeda ay weli u bu’ayaan inay dadka xukumaan.

Top


Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ku Guda-Jira Doodo Ku Saabsan Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka.

Hargeysa (Haatuf): Golaha Guurtida Somaliland shalay sii ambaqaaday dood ay kaga hadlayeen xaaladda siyaasadeed iyo nololeed ee bulshada Somaliland, waxayna mudanayaashu doodaa ku qaadaa dhigeen dhaliilaha maamul iyo siyaasadeed ee dalka, isla markaana waxay mudanayaashii doodaa ka qayb galay ku dheeraadeen xaaladda siyaasadeed ee gobolada bariga iyo sida ay xukuumadda Somaliland uga gaabisay.
Shirkan oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida Sh. Axmed Nuux.

Mudanayaashii doodaa ka qayb galayna waxa ka mid ahaa Mudane C/laahi Sheekh oo ka mid ah mudanayaashii shalay ka qayb galay doodaa ayaa ku dooday in mushkiladaha gobolada bariga Somaliland ka socdaa ay yihiin kuwo ka taga Hargeysa, wuxuuna isaga arrintaa sababaynaya tusaale u soo qaatay ciidamada bariga Somaliland oo u sheegay inaan lacagta Somaliland loo geyn, ee baanka looga sarifo, taas oo uu ku tilmaamay mid caqabad ku noqotay inay dadka deegaankaasi qaataan lacagta Somaliland.

Mudane C/laahi waxa uu sheegay in arrinta gobolka Sool soo dhawaatay markay odayaashu tageen, laakiin inay mushkilad aan jirini abuurantay markii uu Madaxweyne Rayaale booqday maalmo ka hor doorashadii, taas oo uu ku dhaliilay xukuumadda, wuxuuna intaa ku ladhay in arrinta gobolada Sool iyo Sanaag bari ay tahay arrin u baahan wacyi-gelin, isaga ku canaantay golaha inay runta u sheegaan xukuumadda iyaguna isku sheegaan, wuxuuna intaa raaciyey in C/laahi Yuusuf cashuurta ka qaato deegaanka Sool, taas oo uu ku tilmaamay mid ceeb ku ah qaranimada Somaliland.

Wuxuuna intaa ku daray in haddii ay la doonayo in arrintaa wax laga qabto lagala tashado dadka u dhashay goboladaa.

Waxa kale oo ka mid ahaa mudanayaashii halkaa ka hadlay Cabdi C/laahi Xasan oo isaguna arrintaa gobolada Sool iyo Sanaag Bari ku tilmaamay mid ay xukuumaddu ka gaabisay, isla markaana wuxuu sheegay inay arrinta gobolka Sool u baahan tahay talo balaadhan, oo laga yeesho, wuxuuna ku tilmaamay dadka golayaasha kaga jira deegaanadaasu inaanay ahayn kuwii xidhiidhin lahaa, si xal loogu helo mushkiladda.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay mudanayaal kale oo aad ugu dheeraaday arrinta deegaanadaa.

Dhinaca kale golaha wakiiladda Somaliland oo ka doodayey shirka kooxaha Soomaalida uga socda Kenya ayaa fadhigii shalay sii watay mawduucii doodoodda, iyada oo ay mudanayaashii halkaa ka dooday ay si weyn u cambaareeyeen go’aamadii shirka Soomaalida ee Kenya, kaas oo ay sheegeen inaanu ahayn mid ay dani ugu jirto Somaliland, isla markaana waxay ku tilmaameen inuu yahay shir-qool la doonayo in lagu mija xaabiyo qaranka Somaliland.

Fadhigaa oo uu gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Axmed Maxamed Aadan Qaybe, waxa ay doodoodu daba socotay qoraal uu goluhu soo saaray doraad oo ku ayidayey bayaankii golaha guurtidu soo saaray dhamaadkii todobaadkii ina dhaafay, kaas oo ay ku cadeeyeen mawqifka Somaliland ee go’aamada ka soo baxay shirka kooxaha Soomaalida Imbagati.

Top


Khilaafaad Hadheeyay Shirka Kooxaha Somalida Ee Kenya.

Muqdisho (Haatuf) - Waxaa shalay baaqday shir ay yeelan lahayeen gudida hogaamiyayaasha soomaliya ee ku shirsan kenya kaasoo lagaga hadli lahaa sideeda qodob ee beesha caalamku soo gudbisey ee ku saabsanaa go’aankii shantii bishan ay hogamiyayaashu ku heshiiyeen shirkaasi.

Sida uu ku soo waramay wariyahaa Haatuf ee Muqdisho waxa uu u baaqday shirkaasi markii gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maxamed cabdi yuusuf iyo cali baashe xaaji maxamuud ay ka soo xadireen hoolka shirarka ee qodobadaas looga hadli lahaa iyaga oo sheegey in iyagu ay iyagu yihiin cida rasmiga ah ee hogaaminaysa ergada dawlada ku meelgaadhka ah ee shirka ka qayb qaadanaysa isla markaa uu soo diray cabdi qaasin, tasoo khilaaf kaa dhalisay shirka.

dhinaca kale xasan abshir iyo Cabdala Deerow ayaa sheegay in iyagu ay yahiin wafdiga rasmiga ee ka qayb galaya shirka ay hogaminayaan. sikastaba ha ahatee kala fogaanshaha GNT waxaad arkaysaa in ay ku kala duwan yahiin dawladaha safka hore oo iyagu ku kala qaybsan khilaafkaasi dawladaha jabuuti iyo etoobia kulankii shalay markii uu baaqday ayaa waxaaa shir isugu yimi beesha caalamka wakiiladooda iyo gudida farsamada IGAD waxay ku dhiseen markii ay wada hadal yeesheen gudi lasoo xaajoota cabdi qaasin salaaad gudigan ayaa waxaa uu ka kooban yahay wakiilka jaamacada carabta ;wakiilka dawlada masar iyo xogayaha guud ee IGAD waxaanay kala hadli doonaan sababta uu u baaqday shirkii shalay iyo khilaafka GNTtaas oo ay door bidayaan in ergada matalaysa GNT la xaliyo.

waxaa kale oo shalay dhacay shir ay isugu yimadeen wakiilada beesha caalamka ee daneeya arimaha soomaliya taas oo la sheegay in ay ka wada hadleen sideedii qodob ee talo soojedinta ahaa ee ay u direen hogamiyaasha iyo kibligat taas oo ay ka codsadeen in dib loogu noqdo wakiilka jaamacada carabta ayaa sheegay in la xaliyey luqada carabigu in ay noqoto luqadaha ka jira soomaliya ay tahay rasmi hasayeeshe qodobada kale ee ay ka midka yahiin sida midnimada soomaliya ay noqoto muqadis oo qodobkaa lagu qeexo iyoqodobadii kale ayaa ahayd in beesha caalamka iyo hogamiyayaashu iyo urur gobleedka IGAD iyagoo isu dhan laga wada doodo hasyeeshee ay taasi suura geli wayday taas oo qabsoomi wayday isqabqabsiga GNT awgeed waxaa kale oo baaqday kulankii ay galabta ku yeelan lahayeen gudida axdi qarameedka oo aan la sheegin goorta laysugu iman doono.

Dhanka kale xasan abshir ayaa aad u weeraray Cabdi qaasin oo sheegay in aanu isagu badali karin oo ay doorteen baarlamaanka iyo dawladaba isla markaa aanu awood u lahayn uu hogaanka GNT isagu bedali karo xasan abshir oo ay waraysatay saxaaafada muqdisho ayaa dhaliilay warqada lagu badalay isaga iyo cabdala deerow.

Dhanka kale waxaa shalay gelinkii dambe la shaaciyey diyaarado soo qaadaya odayo dhaqameedyada kala jooga koonfurta soomaliya oo soo xuli doona cida ka qayb galaysa xildhibaanada la soo xulayo waxaana

Top


Golaha Maamulka Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay Samaynta Maxkamad Lasoo Taago Sadam.

Baqdaad ( W.wararka) golaha maamulka cusub ee dhawaan laga dhisay ciraaq ayaa sheegay maalintii shalay inay go’aan ku gaadheen samaynta maxkamad dacwado ku qaada sadaam Xuseen iyo taageerayaashiisii xukunka la hayey si loogu oogo dambiyadii dhinaca baniiaadamnimada ee ay galeen mudadii ay xukunka hayeen.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay golahasi waxa ay go’aan sadeen inay marka hore sameeyaan gudi ka baaraan degta qawaaniinta iyo awoodaha ay maxkamadaasi yeelanayso si ay ugu suurto gasho inay dacwad ku oogaan masuuliyiintaasi oo ku tilmaameen dambiilayaal dagaal, waxa kale oo ay intaa ku dareen inay sidoo kale ahmiyad siinayaan soo celinta hantidii ay ragasi la baxsadeen.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbey Kofi Annaan ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay gacan ka geysto sidii xasilooni loogu soo celin lahaa dalka Ciraaq.

Mr. Annan ayaa soo jeediyay baaqan ka dib markii uu kulankii ugu horeeyey la yeeshay madaxweynaha Mareykanka, George W. Bush, oo ay isku danbeysay markii dowladda Mareykanku ay ku guuldareysatay in taageero uga hesho Qaramada Midowbey weerarkeedii lagu qabsanayey dalka Ciraaq.

Madaxweyne Bush ayaa sheegay in uu dareensan yahay in uu horumar sameynayo howlgalka ciidamada ee uu Mareykanku horseedayo ee Ciraaq lagu dajinayo.

Wararkaa ka imanaya magaalada Washington ayaa sheegaya in arrimaha waaweyn ee laga wadaxaajoonayo in ay yihiin dib u dhisida Ciraaq dagaalka ka dib, iyo in dowladda Mareykanku ay u ogolaaneyso Qaramada Midowbey in ay dib ula soo noqoto dowrkeedii hogaamineed.

Top


Liberia Oo Soo Dhoweysay Ciidamada Dalkeeda La Keenayo.

Jawaabtii ugu horaysay ee ka soo baxday dowladda Liberia ayaa waxa ay ahayd mid ay ku aqbaleen oo ay ku soo dhoweeyeen hadalka ka soo baxay dowladda Maraykanka ee lagu sheegayay in ciiddamo Maraykan ah la gaynayo dalkaasi Liberia laakiin ay si khaas ah u imanayaan, hase ahaatee dowladda iyo shacabkuba waxay ka niyad jabsan yihiin in ciidan tiro badan aan loo soo diri doonin.

Maraykankuna muuna sheegin tirada ciidamadda uu halkaasi u dirayo laakiin waxa uu sheegay in ay dalkaasi tagi doonaan ka dib marka ay tagaan nabad ilaaliyayaasha ka socda Afrikada Galbeed kaalintooddana waxa ay noqon doontaa uun in ay howlahooda u fududdeeyaan ciidamadda gobolka ka socda.

Todobaadkii la soo dhaafay dabayaaqaddiisii ayaa Madaxweyne Charles Taylor waxa uu taageerayaashiisa meel fagaare ah ugu sheegay inaysan ogolaan doonin in ciidamadda Maraykanka ayna u isticmaalin fursado sawiro uun looga qaado.
Maraykankuna waa in ciiddamo ay u diraan dalka Liberia waxa uuna ku balan qaaday in uu xukunka ka tagayo marka ay nabad ilaaliyayaashu yimaadan.

Laakiin ciidamadda ka socda Galbeedka Afrika ayaa la sheegay in ayna ku iman doonin laba isbuuc waxayna u egtahay in soo raagi doonaan oo ay daahi doonaan sababo xag dhaqaale iyo xaga saadkaba la xidhiidha.

Liberiyaanku waxa ay doonayaan in Maraykanku ay ka shaqeeyaan oo ay ilaaliyaan xabad joojinta ilaa xoogaga kale ay ka imanayaan sababtoo ah waxaa jira xabado ay isweydaarsanayaan xoogaga ciidamadda dowladda iyo kuwa mucaaradka todobaadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii xabad joojintuna uma eka inay tahay mid si qumaati ah u hirgashay.

Waxaana jirta khatar ah in ay burburto xabad joojinta ka hor inta ayna soo gaadhin dalkaasi ciidamadda nabad ilaaliyayaasha ah iyadoo dalku uu sugayo ciidamadaasi.

Dadkana waxay u dhamaanayaan gaajo iyo cuduro howlaha gargaarkuna waa mid si weyn u xadidan shaqaalaha gargaarkuna waxay u baahan yihiin amaanka iyo nabad gelyada ay la imanayaan ciidamada shishiyeeyaha ah ee dalka laga filayo.

Top


Ra’iisal-Wasaaraha Isra’il Oo Booqanaya Britain.

London-Ra'iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas ayaa sheegaya in xal loo helay waxyaabihii ay ku kala duwanaayeen isaga iyo Yaasir Carafaat, ka dib markii uu wadohadalo kula yeeshay hogaamiyaha Falastiiniyiinta Xaruntiisa magaalada Ramalla ee Daanta Galbeed.
Labada nin ayaa kulmay markii ugu horeysay tan iyo markii Maxamuud Cabbaas uu sheegay todobaadkii hore in uu iska casilayo gudiga dhexe ee ururka Fatax ee Yaasir Carafaat.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Carafaat ayaa mar hore sheegay in Maxamuud Cabbaas uu ahaa nin aad ugu jilicsan wadahadalada nabadda ee Israel.

Magaalada London, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Jack Straw ayaa sheegay in Britian ay sii wadi doonto xidhiidhka ay la leedahay Yaasir Carafaat, marka laga gudbo baaq uu soo jeediyey, Ra'iisal Wasaaraha Israel, Ariel Sharoon oo haddabooqasho ku maraya dalka Britain, oo leh yaan xidhiidh lala yeelan Yaasir Carafaat.

Mr. Sharon ayaa waxaa uu kulan la leeyahay Ra'iisal Wasaaraha Britain, Tony Blair oo ay kawada hadlayaan xaalada bariga dhexe iyo dadaalka nabad radinta ah ee la wado.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xukuumadda Somaliland Ma Galbeed Ayuunbay Dawlad U Tahay?

Bariga Somaliland iyo aragtida (Sanaag), anaga oo ah dhalinyarada magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaanu doonay inaanu ku soo bandhigno ra’yigayaga wargeysyada madaxa banaan, taas oo ah markii ugu horeysay ee aanu anaga oo wada dhan fikrad ku soo bandhigno maqaalkayagu waa mid isugu jira cabasho dhaliilo, aanu u soo jeedino iyo arrimo badan oo kale.

Sida aynu wada ogsoonahay waxaynu qaranimada kala soo noqonay soomaaliya 1991-kii, wakhtigaa ilaa iyo maana oo ay taariikhdu tahay 2003, oo ay wakhtigaa hore ay ka dambaysay muddo 13 sanadood ah, haddaanu nahay bariga Somaliland wax horumara oo aanu dawladda xageeda ka tirsanaynaa ma jirto, dawladdu had iyo goor waxay ku faantaa waxay nabadgelyada waxay ku jirtaa gacantayada, taas oo aanu anagu u qabnaa dawladdu waxay dhalisay dawladdu inaanu jirin oo madax dhaqameedyada Somaliland ayaa ka fikrad badan uwa koonfureed, madax dhaqameedyada ayaana nabadda dhaliyey, waxa jirta inay dawladdu galbeedka Somaliland ku dedaasho, hadday tahay amniga iyo hadday tahay dib u dhiska hay’aduhu maalgeliyaanba oo aan xaqsoor ka muuqan oo dawlad rasmiga ayaa is odhanaysaa marka aad soo gaadho magaalada Sheekh dawladaas oo leh lacag u gaara iyo kala dambayn.

Waxa ay dawladdu ka ixi wayday arrimaha Hargeysa iyo galbeedka Somaliland ay ku marmarsiiyootaa dawlado kale ayey sheegtaan dadka ku dhaqan bariga fog ee Somaliland, taas oo ay ku majara habaabinayaan dadka Hargeysa iyo galbeedka Somaliland dega.

Anagu waxaanu leenahay 1991-kii ayey Somaliland istaagtay barga ilaa iyo 1998-kii ka hor bariga fog ee Somaliland yuu sheegan jiray? Waxaanu rumaysan nahay in dadkaasi markay dawlad adeegyada u fulisa waayeen ayey ku khasabtay inay sheegtaan dawladdo kale, oo aanay u dhalan, sababta oo ah Hargeysi hadday ku taalo meel xukunka ka fog dawladu ku yartahay ama aanay gaadhinba waxay doonaan ayey sheegan lahaayeen, hadday doonaan Djibouti ayey sheegan lahaayeen markaa haddaanu nahay bariga fog ee Somaliland ee laydiinma baahna sababta oo ah codsiyo loola yimid madaxda dawladda oo cabashooyn ahaa ayaa hadalo badan oo guracani ka soo baxaan oo ay ka mid yihiin Miyaa nala leedihin dawladda, dawlad xuma aan hadda laga qai karini waxay tahay xeebeheenii dhinacaa ee cidiba ka kaluuaysan ee kheyraadku ka buuxay oo dad ajanabi ahi oo carab u badani ka kaluumaysanayaan oo ay qalab casri ah ay dhigaan aalaa bixiyaan, oo hadda qofka u dhashay Somaliland ee naftu qabsato ee yidhaahda kaluumayso aanu xabadi shebega ugu dhacayn.

Dadkaa carabta ah ee ajanabiga ah waxa in yar oo cashuura ka qaata qab-qablayaal meelaha xeebaha ku sugan haddii lala hadlo carabtana u dagaal ka dhaco oo u dagaalamayo, taa waxa ka sii daran wax la yidhaahdo “ceshiimo” oo nin ayaa qabsanay dhul ku dhaw dhaw balaca Hargeysa ku fadhido oo aanu u ogolaanayn in ri aanu lahayni daaqdo, haddii abaari dhulka oo dhan barakiciso.

Taa iyana waxa ka sii daran ardayda dhigata dugsiga sare oo aan 1/3 saddex meeloodaw meel aan xiisado loo dhigin, tusaale ahaan annaga oo dhigana dugsiga sare ee Ceerigaabo oo badankayagu hadda ka baxaya ma naqaano waxa uu yahay physic, biology, geography history.

Intaa oo xiisadood weli waynoo dhiman tahay, form four-na kana wasaaradda ayaa soo diyaarisa imtixaanka, ay ku sargoysay, aqoonta ardayda Hargeysa, taasin waa caddaalad darrada ugu weyn.

Markaa maqaalkayaga waxaanu ku soo gunaanadaynaa qodobadan.

In dawladda higsanaysa gaalo aqoonsataa ay ku dadaasho in dadkooda wada aqoonsato.

In dadka Hargeysi wada ogaadaan inay iyana dawladda ku raacsanyaan, bariguna bilaa dawlad yahay.

In dadka Ceerigaabo gobolkooda soo xasuustaan kuwaado wax yaqaanaana ku noqdaa hadday yihiin dhakhaatiir iyo macalimiinba.

In Dawladdu bariga iyo galbeedka wada sinto, lacagtana wada gaadhsiiso.

In dawladda cusub ee wasiiradda dadkii oo dhan ka dhigtay ay wasiiradda iyo shaqaalahaba yarayso, si dhaqaale wax tari u soo baxo.

In haddaynu dimuqraadiyad gaadhnay uu madaxweynuhu iska daayo hadalkisa ah xukuumadda laga wada muuqdo.

Ururka dhalinyarada Ceerigaabo.

Ceerigaabo, Sanaag.

Top


Biyo La’aantu Joogto Ayay Noo Noqotay.

Haddaanu nahay odayaasha degan xaafadda Geed Goble oo ka tirsan Degmada 26-ka June, waxaanu halkan ku sheegaynaa biyo la’aan gaar oo noqotay oo tan iyo intii magaalada Hargeysa biyo la’aanta ka cabanaysay aan iyadu marna helin wax biyo ah, waxa dhacda mararka qaarkood in xaafadu ay muddo 45 cisho ah aanay biyo helin.
Waxaa jirtay in aanu muddo dheer samir ku jirnay oo aanu eegaynay duruufaha aynu ku jirno, iyo biyo la’aanta guud ahaanba ka jirta magaalada.

Haddaba baadhis badan oo ka dib waxaanu ogaanay in biyo la’aanta na haysata hadaanu nahay xaafadda, ay tahay mid gaar ah, anaga oo noo gooniya, waxaanu ogaanay in xaafadaha kale ay biyuhu ka maqnaadaan ugu badnaan laba ama saddex habeen, halka ay anaga marka ay ugu yartahay ay biyuhu naga maqan yihiin lix ilaa iyo toban habeen.

Waxa haddaba isweydiin mudan, biyo la’aanta sidan ah, ma waxaa keenay cadilaad aan la ogeyn ayaa jirta oo u baahan baadhis, mise wakaaladda ayaaba gaar ahaan u takoortay xaafadan, mise kaalmaha biyaha dadka haysta ayaa wax is-weydaariyey, anaga oo garan weynay si ay wax yihiin, balse waxaanu wakaaladda ka codsanaynaa in ay arrintan wax ka qabtaan, anaga oo in badan oo horena ugu soo gudbinay cabashooyin arrinta la xidhiidha.

Waxa kale oo aanu dawladda Somaliland weydiisanaynaa in nalagu caawiyo booyado xaafadda biyo u keena, oo u qaybiya, iyada oo xaaladda aanu ku jirnaa tahay (Gaadhi Gaadhi Saar), aan magaalada inteeda kale nala qabin.

Odayaasha ku nool xaafadda loo yaqaan geed Goble, Hargeysa 26 June.

Hussein Maxamuud Xasan, Hargeysa.

Top


Hadraawi Kuwii Horeba Naf Ka Waaye Xamar.

Waxa la soo gaadhay Wakhti ay noqoto in gacan ka hadal ay tagto oo loo adkaysan waayo dulmiga lagu hayo umada Somaliland ee uu ku hayo Kali taliskii Hadal ka yaqaanay Xunyohow.

waxaa Samaysmay Ururkii Xaqu dirirka SNM oo ka dhiidhiyay dhibaatadii taalay markaa, SNM runtii Mujaahidiintii markaa goostay ee Milatariga ahaa waxay ka ciyaareen door weyn Xoraynata Somaliland.

Hadaba Door intee le`eg bay ku lahaayeen Abwaanadii markaa Gabyay ee Heesaha Tirinayay ee ay horkacayeen Hadraawi iyo Gaariye?? jawabtaasi waa mid Cad oo mujaahidiin inay ahaayeen Qaabilsan dhinaca mediyaha gaarahaan Suugaanta oo door ka qaadata Dhaqanka Soomaalida.

Suugaanta oo ah shay aad uga qayb qaata colaada iyo Nabadaba, suugaantu in ay qayb wayn ka qaadato dagaalka waxaa kuu cadaynaya Markuu lahaa Sallaan carabay ( Afku Wuxuu la xoogyahay Magliga Xawda kaa jaro e).

Abwaan Hadraawi waxa uu horkacayay Mujaahidiintii Xaq u dirirka ahayd hadaba Waxaa la soo gaadhay La soo noqoshadii Maandeeq, Abwaan Hadraawi kama uu sii wadin ijtihadkii lagu yaqaanay halkii ee wuu ka aamusay inta badanna waxa uu dalka uga maqnaa Dibadaha. Somaliland aad ayuu u wanaagsanaa geedi socodka ay soo waday tan iyo maalintiii lala soo noqday.

Waxay ahayd Maalin Isniin ah oo bishu tahay 14-07-03 markii BBC-du waraysatay Mr: Hadraawi oo mawqifkuu ka cago jiiday in uu cadaysto daaha ka qaaday Hadraawi oo ereyadiisa ay ka mid ahaayeen Mar hadii dalkii loo googooyay Boqol ma jelclaysan inaan aniguna go, arintan oo aan runtii ku noqon Umada Somliland Wax cusub oo ay horeba u arki jireen nin siibta oo koonfur u siibta. laakiin suaalaha Madaxa umada ku soo dhacaya waxaa ka mida muxuu Hadraawi ula sugayay Licibkan ugu Danbeeya ee uu horay u cadayn waayay Mowqifkan uu shaaca ka qaaday maanta?

Gabogabo Abwaan Hadraawi ka sokayn maayo halka ay mareen ragii hore ee doorka ka ciyaari jiray Siyaasada Somaliland Hangaraaracna Lug Qudha uma dhutiyo somalilandna waa Dalka Dhalay kaa ka cararaya iyo kan u cararayaba hooyana inamadeedu isku si abaalkeeda uma gudaan. Dalkunna ka sugi maayo in qof waliba u abaal gudo.

Cumar Cabdi Nuux

calaydh2@hotmail.com

Helsinki Finland

Top


Is Barbardhiga Tayada Xukuumadihii Tuur, Cigaal Iyo Rayaale.

Qore: Cismaan Abokor - London.

Somaliland oo May 18keedii sannadkan 12 jirsatay ayaa haddii dib loo milicsado sooyaalkeeda taariikheed soo martay Saddex Cahdi oo kala dambeeyey oo mid kastaaba lahaa waayihiisa iyo wacdarihiisa. Haddaba qormadeenan waxa keli ah ee aynu ku eegaynaa waa is bar-bar dhigga saddexdaa cahdi iyo xukuumadihii soo maray tayadooda iyo tamartooda.

June 1991 ayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali ku dhawaaqay xukuumaddiisii muddada laga sugayey, inkasta oo ay ahayd waa cusub, qaran cusub, iyo xukuumad cusub, yididiilada iyo filashada dadkuna xiligaa aad iyo aad u sarraysay wuxu C/Raxmaan gole keenay inkasta oo ay u badnaayeen siyaasiyiintii SNM ee ku naalloonayey guushii ururkooda, xukuumad runtii aan ku tilmaami karo tii ugu dheelli tirrayd uguna maqaam sarraysay ee soo marta Somaliland, sababta oo ah waxay ahayd xukuumad kooban oo aan ka badnayan 16 wasiir iyo 4 wasiir ku xigeen waxay ahayd xukuumad xul ah oo ka tur jumaysay tayada ururkii hantay talada dalka waxay kaloo ahayd xukuumad wadaag ah oo midaynaysay saddex xoog oo mid kastaa awooddiisa iyo shacabkiisaba lahaa kuwaas oo kala ahaa, labadii garab ee waaweynaa ee SNM iyo beelihii aan SNM ta ahayn ee Somaliland nimada lagu walaaloobay. Runtii waxay ahayd sida ay iiga marag kacayaan dad badan oo xog ogaal ahi xukuumaddii isu keentay Xassan Adan Wadaadiid Macdanta Iyo Biyaha, Ismaaciil Buubaa Maaliyadda, Maxamed Kaahin Gaashaandhigga, Sh.Yuusuf Sh. Cali Madar (allaa ya raxma) Arimaha Dibadda S/Gaal Arimaha Gudaha, C/Raxmaan Aw Cali Tacliinta, Maxamuud Cabdi Cali Bayr (Badaha iyo Kaluumaysiga), Jaamac Rabbiile Good (Hawlaha Guud) Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) Caddaaladda, Ibraahim Maygaag Samatar Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee ururkii dalka xukumayey ee SNM, iyo Xassan Ciise Jaamac oo ahaa Madax weyne ku xigeenka dalka.

Xukuumaddii tiradaa iyo tayadaa lahayd ee Tuur in ka yar sannad ayay af weynta goosatay, saddex sababood dartood ta koowaad oo ahayd waxa ay faraha ku haysay iyo waxa laga filayey oo aad u kala fogaa, ta labaad oo ahayd khilaafkii dhexdooda ahaa ee soo jireenka ahaa ama Qaaxo lagala yimi oo si kas ama kama ah (qof ba siduu u haysto) ugu qarxay yagleeshii koowaad ee qaranka iyo ta saddexaad oo ahayd Hoggaamitii madaxweynenimo ee C/Raxmaan Tuur oo noqotay mid aad iyo aad u jilicsan. Laakiin dadka taariikhda iyo siyaasadda lafa guraa waxay ku doodaan Xukuumaddii Tuur waxay ahayd tii ugu nasiibka badnayd ee soo marta Somaliland isla markaana ugu nasiibka darrayd, maxaa yeelay xiligaa ay xukunka haysay waxay ahayd cahdigii ay isugu caloosha wanaagsanaayeen Shacabka, beelaha, ciidamada iyo guud ahaan ummadda Somaliland, waxaanay ahayd tii ugu nasiibka darrayd oo waxay ka faa’iidaysan weyday fursaddaas, iska daa in ay ka faa’iidaysatee waxay awoodi weyday in ay adkaysato jiritaankeeda.

Cahdigii labaad ee Somaliland wuxuu dhashay 05 may 1993 markii lagu beddelay magaalada Boorame hoggaankii hore ee dalka ee u badnaa SNM laguna doortay hoggaan cusub oo dibadda ka ahaa Guulihii iyo gocondhooyinkii (khilaafaadkii) halganka, cahdigaas cusub oo uu hor kacayey Maxamed Ibraahim Cigaal, isla daba yaaqadii May ba Cigaal wuxuu dhisay xukuumaddiisii u horreysay ee caanka ahayd waxay ahayd xilli colaad sokeeye ka soo doog ah, Somaliland u baahnayd weji cusub iyo siyaasad cusub si looga nasto Calan Castii iyo Calan Caddii, Shiishtii iyo Khaakhdii, garabyadii SNM iyo fowdadii ka dhalatayba.

Laakiin yaabka ugu weyni wuxuu soo baxay markii subax Jimce ah May 1993 uu ku dhawaaqay Marxuum Cigaal xukuumaddiisii taas oo af kala qaad ku noqotay xataa kuwii uu ku soo daray dowladdiisa, may ahayn xubno lagu tuhmayey taab gaabni iyo jilicsanaan, may ahayn siyaasiyiin aan la aqoon oo dhegaha dadka ku cusbaa, manay ahayn dad khaa’imiin ah oo laga shakisanaa, laakiin waxay ahaayeen oo keli ah xukuumad gebi ahaanba ah garab ka mid saddexdii garab ee xukuumaddii Tuur ku colloobay Axmed Ibraahim Dayib Gurey wasiirka Ganacsiga &Warshadaha, Muuse Biixi Cabdi Arimaha Gudaha, S/Gaal Tacliinta, C/Raxmaan Aw Cali Madaxweyne Ku xigeen iyo Gaashaan Dhigga, C/Laahi Ducaale Maaliyadda, Maxamed Baaruud Dib u dejinta, Maxamed Cali Caateeye Macdanta iyo Biyaha, Xasan Cali Abokorna Taliyaha Ciidamada. Xukuumaddaas oo madaxweyne Cigaal ku tilmaamay mid Xal ah ee aan Xul ahayn.

Xukuumadan koowaad ee Cigaal waxay soo hoysay guulo iyo guul darrooyin, marka si xor ah oo caddalad ah loo faalleeyo waxay ku guuleysatay hub-ka dhigistii malleeshiyooyinka beelaha, dhismihii hay’adaha qaranka ee illaa maanta jira, waxay kaloo horseedday guul darrooyin ay ka mid ahaayeen in markii koowaad taariikhda Somaliland ay beelo dhami qaaddacaan dowladda, ama ay ka baxaan, waxay keentay in dadku ay kalsoonidii macnawiga ahayd kala noqdaan waxaanay noqotay mid ka mid ah sababihii dagaaladii sokeeye.

Xukuumaddan Koowaad ee Cigaal waxa lagu xusuustaa xukuumaddii xiliga adag dhib iyo dheefba lahayd sida qaramayntii ciidamada iyo curintii dagaalada sokeeye, unkiddii lacagta S/Land iyo tii sababtay aafadii sicir bararkii 1995, tii dhashay Somalilandta cusub iyo Dowladdii xag jirtey ee Calan casta.

Cahdigii Saddexaad ee Somaliland wuxuu ahaa Xukuumaddii Labaad ee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu madaxweyne Cigaal ku guuleystay doorasho si habsami ah loo soo agaasimay waxaanu hantay badiba kalsoonidii shacabka waxaana mar labaad gacanta loo geliyey masiirkii ummadda, runtii marka aan taariikhda lagu xadgudbin wuxuu Cigaal ogaa waxa laga filayaa in uu yahay wax ka duwan wixii laga filayey 1993, wuxuu qaaday tallaabo lama filaan ah taas oo ka weecisay dhammaan wixii ay eed iyo godob lahayd, wuxuu xulay guddi 7 xubnood ah oo soo sameeya sifihii (creteria) Somaliland lagaga noqon lahaa wasiir, tallaabadaas wax ku oolka ahi waxay waddada u xaadhay in badhtamihii May 1997 Maxamed Ibraahim Cigaal soo dhiso dowladdii ugu tayada wacnayd ee soo marta Somaliland, taas oo ku dhisnayd miisaan iyo aqoon marka loo eego xagga tacliinta, waaya aragnimada, miisaanka reereed, iyo kalsoonida shacabkaba, Cigaal wuxuu dadka reer somaliland soo hor dhigay xukuumad ay kal iyo laab ku soo dhoweeyeen taas oo aan ka xusuusto sacabkii uga dhacay golaha wakiilada markuu ka dhawaajiyey xukuumaddiisa isagoo masuul walba u diray shaqadiisii sida Dr Maxamed Cabdi Gabboose oo uu Arimaha Gudaha u magacaabay, Xasan Maygaag Samatar WarFaafinta, Fagadhe Arimaha Dibadda, Siilaanyo Maaliyadda, Inj Biixi Macdanta, Inj Caynab Hawlaha Guud, Gees Qorshaynta, Dr Cabdi Aw Daahir Caafimaadka, Yaxye Sh Ibraahim Beeraha, Waran-Cadde Tacliinta.

Xukuumaddan isku dubba ridani waxay si dhakhso ah u guda gashay hawlihii loo igmaday, inkasta oo ay jireen caqabado waaweyn oo soo waajahay sida xayiraaddii dhoofinta xoolaha, abaaro iyo umuuro kale oo is biirsaday haddana xukuumaddaasi horraantii waxay ku dhaqaaqday xawaare dheereeya, waxaanay soo hoysay horumar la taaban karo inkasta oo marka dhinaca kale laga eego ay ka gaabisay intii laga filayey xukuumad ku soo beegantay xiliggii Somaliland ugu xasiloonida badnayd.
Waxa si weyn loogu xusuustaa xukuumaddaa guulihii ay ka soo hoysay siyaasadda Arimaha dibadda, dhaqaalaha, tacliinta, hirgelinta hannaanka Dimuqraadiga ah iyo horumarinta adeegga guud sida dib u habaynta waddooyinkii waaweynaa ee isku xidhi jirey gobolada, waxa kale oo lagu xusuustaa ka gaabinta maamul wada gaadhsiinta dalka, dayiciddii gobalada bari, kala qaybsanaantii siyaasadeed ee dabayaaqadii cahdigaas soo waajahday Somaliland iyo liicitaankii ku yimi qaar ka mid ah hay’adaha dowliga ah. Taas oo inta badan sabab looga dhigo tawstii iyo taab gaabnidii ku timi hoggaaminta dalka dabayaaqadii cahdigaas saddexaad.

Cahdigii Afraad ee soo-mara Somaliland wuxuu ahaa kan Daahir iyo hannaanka Xisbiyada badan, si kastaba ha loogu kala aragti duwanaadee wuxuu dhaxlay Daahir Hoggaaminta cahdigii afraad ee Somaliland, waxaanu hoggaaminta talada dalka ku yimi hab ka duwan, ka qiime badan, kana qoto dheer hababkii raggii ka horreeyey ku yimaaddeen hoggaaminta dalka, habkaas uu ku yimi oo ahaa cod dad-weyne (popular vote), maalmihii uu muranka weyni ku jirey hoggaamintiisa wuxuu ballan qaaday in haddii fursad la siiyo uu dalka u soo dhiso doono xukuumad tiro yar oo leh tayo aqooneed iyo mid kartiyeed, sidii aynu ku soo xusnay raggii isaga ka horreeyey wax la sugaba waxa timi maalintii la sugayey waxa uu la shir iman doono, waa nasiibkiise wuxuu ku dhawaaqay dhowaan xukuumaddii ugu tirada badnayd ee soo marta Somaliland (Gole wasiirro oo ka kooban 42 xubnood).

Haddaba qormadeenan waxaynu ku soo gebegebaynaynaa haddii aynu soo aragnay cimriga, caqiibada iyo caynaanada xukuumadihii ka horreyey tan Daahir su’aasha keli ah ee aynu is weydiin karraa waa maxay qaban doontaa? Taasina waxay cadaan doontaa maalmaha soo socda.

Cismaan Abokor, Department Of Politics, University of Westminister, London, UK.

Top


Halagu Dhaqmo Dastuurka Somaliland.

Haddii aan dib u jaleecno taariikhda Somaliland, waxay xornimada ka qaateen ingiriiska sanadkii 1960ki, waxa markaas ay la midoobeen koonfurta Somalia oo maxmiyad u ahaa talyaani, la midowgii nasiib darro waa lagu hungoobay waxaanay sababtay in maal iyo nafba loo waayo, taasoo taliskii siyaad barre uu kula kacay shacabka Somaliland siyaabo aad uga baxsan bini aadanimada. Taasina ay u suuro gali wayday lle oon qadarin awgeed. Laakiin se uu sameeyay taliskii siyaad barre waxkasta oo uu samayn karayay.

Waxa sanadku marka uu ahaa 1991kii bishii may lagu dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland, taasoo loo arkayay in ay dadkii u soo halgamay dalka iyo maalkii loo hurayba aanay noqon hal bacaad lagu lisay, si taas loo gaadhona waxa markaa la sameeyay maamul, maamulkaas oo u hogaamiye u noqday cabdiraxman axmed cali ( tuur ).

Waxa sanadkii 2001kii loo codeeyay dastuurka Somaliland taasoo ay dadku 97% ay u codeeyeen haa, hadaba su’aasha isweydiinta lehi waxa weeye sababta loogu codeeyay maxay ahayd dastuurka? Dhabse ma tahay in dadka Somaliland ay u codeeyeen 97% dastuurka? Waxa iska cad oo cidkasta ay marag ka tahay in dad badan oo fidno wadayaal ah ay ku dhex jiraan Somaliland kuwaasoo danta ay leeyihiin ay ka wayn tahay danta dadka ay ka dhasheen, la dhasheen, ay dhaleen. Kuwaasoo dadka wax magaratada ah ee qabiilku rogay ay ku faanaan, iyaga oo u arka markaas inay samaynayaan wax wanaagsan. Oo ay sumcad ku
helayaan.

Somaliland waa dal jira oo jiray waligeed oo laga aqoonsan yahay caalamka xuduudna la wadaaga Somalia, Djibouti, Ethiopia, waa dal ay degaan dadyow kala jaad ah. Waxa uu ku yaalaa dhinaca waqooyi galbeed ee Somalia.

Waxa hadaba hubaal ah in shacabka Somaliland aanay u bislaan dimuqraadiyada, walina ay dabada ku hayaan qabiilkii. Sida muuqatana aanay ka tagayn waligood.

Dawladda maanta jirta waxaan ku odhan lahaa waad ogtihiin in shacabka
Somaliland ay idiin codeeyeen taasoo muran badan dhalisay waxaanad kalood ogtihiin sida ay xisbiyadii mucaaradka ahaa idiinka tanaasuleen, waxaanad ilowdeen in cidkasta oo naga mid ahi mucaarad iyo muxaafadba idin eegayso oo la idiin fiirsanayo, la idiinkama fadhiyo inaad mashaakil samaysaan wakhtigan xaadirka ah oo aad ogtihiin in meel kasta cadow lagu leeyahay oo shirkii somaliduna socdo. Markaa waxaan idinkula talin lahaa inaad ixtiraamtaan dadka idin doortay.

Waxa aan ku odhan lahaa shacabka Somaliland noqda kuwii ku fikira horumarka generationka soo socda, si jiilka soo socda ay u dhaxlaan wax wanaagsan, haddii jiilkii naga horeeyay aanu ka dhaxalnay tan manta aan ku dhaqano aynu ku fikirno sidii jiilka inaga dambeeya ay u noqon lahaayeen kuwo tayo leh oo la tartama caalamkan hore u socda, si taas loo helona waxa muhiim ah in qofkasta oo inaga mid ahi uu ku fikiro sida wanaagsan, iyo horumarka dalka iyo dadka. Waa inaynu noqonaa kuwii iska qabta xumo wadayaasha inagu dhex nool, haddii aan sidaa samayn wayno la socda kuwa ku dhibta qaba waxa weeye jiilka inaga dambeeya.

Waxa aan ku odhan lahaa mucaaradka noqda kuwii maslaxada dalkooda ka taliya markasta, una iftiimiya dadka hurda khaladaadka ay samaynayso dawladdu idinka oo adeegsanaya dariiqooyinka idiin banaan kana reeban wixii keeni kara fawdo, maxaa yeelay ma joogno xilligeedii.

Dadka ku fikira xoriyatul qawlka waxan xasuusin lahaa inay absolutely qaldan yihiin oo anay jirin caalamka meel qofkasta waxa uu doono uu ku hadli karo sheegina karo waxa uu doonayo. Waxaana muuqata inaynu si khaldan u fahanay xoriyatul qawlka, xuquuq ayay cidkastaa leedahay, dawlad iyo shacabba markaa waa in la dhawraa xuquuqda qofkasta.

Guntii iyo gebogabadii waxaan odhan lahaa yaynaan iska ciidayn, yaanuu inaga ciidayn shakhsi danayste ah, yaanuu inaga ciidayn qof dano gaar ah wata, aynu kala garano xumaanta iyo samaanta. Haddii lakala gartona waxa hubaal in meel la gaadhi karo.

Ilaahay ha ina garan siiyo samaanta.

Cabdirisaq dahir guled.

Top


Qaxootiga Lasoo Celinayaa Waa Cuna-Qabatayn Cusub, Bashiir Kaarshe - London.

Wadankii la odhan somalia waxa ka dhacday dhibaatooyin waqti dheer qaatay, in kasta oo meelo ka mid ah ay ka jirto in mudo ahba xasilooni dheeraad ahi, balse ay dhaqaalo daro iyo dhibaatooyin shaqo la`aani ugu horayso ayaa ku habsaday qaarada madow ee afrika gebi ahaanba.

Dawlado la aqoonsan yahay ayaa shaqo la`aanta shacabkeedu kor u dhaafeen 70-80%, dhibaatooyin caafimaad iyo cimilo xumana ay u raacday, somalia iyo Somalilandna tusaalahoodaba waynu wada ognahay.
Arimahaas kor ku xusani waa waxyaabaha ku kalifay qaaradan ehelkeedii in ay doonyo habeen iyo dharaar ku tahriibaan amaba isku dayaan inay si uun uga baxaan halaagan boqolaalka qof ku habsaday si ay ehelkooda maruun wax ku filan ugu soo helaan.

Hadaba dalalkan horumaray ayaa ah bar tilmaameedka dhalintii (rag iyo dumarba) qaarada.

(waxaan is iloowsiinayaa dhibaatooyinka dhaqan, diin, akhlaaq, dhaqaale, waqti daro, indho garad la`aan iyo ka fogaansho dhulkeenii hooyo ee inagu haya dalalkan qurbaha. Anigoo og waxa aynu halkan u nimi iyo waajibaadka ina saaran ee umad dhan aynu u nahay jeebkay wax ka quudanayeen).

Waxa jirta hadaba isku dayo noocyo badan leh oo hay`adaha socdaalka iyo qoxoontiga wadamadani ugu jireen tan iyo intii ay arkeen guryo kaca iyo geediga is daba jooga ah ee ka soo burqanaya dunida sadexaad (gaar ahaan qaarada dhibta badan afrika).

Waxaan xasuustaa 1998kii mar uu booqasho gaaban ku yimi Madaxweynaha Dalka Ereteria Mud. Isiyaasi AFUURIQI Dalka federaalka ah ee Switzerland wada hadalona la yeeshay madaxda dalkaas (gaar ahaan wasiirkii cadaalada iyo socdaalka Mr. Rolf WIDMER) in loo soo bandhigay sidii wadankaas "ERETERIA" loogu celin lahaa qaxoontiga bilaa sharciga ku jooga Federaalka SWITZERLAND, iyada oo loo bandhigay mashruuc dhaqaalayn iyo maalgelin aad u waynaa.

Akhristoow in kasta oo uu Afooriqi u dhareeriyey xoolahaas faraha badan, in kasta oo dadkiisa loogu balan qaaday tababar gaaban (lix bilood oo farsamo gacmeed iyo qalabkii ay ku shaqaysan lahaayeen), in kasta oo dalkiisi cusbaa una baahnaa dhaqaale, Mr Afuuriqi wuxuu ugu jawaabay federaalka SWITZERLAND:

Na siiya waxaad nagu caawinayasaan, balse dadkayagii hada dalka ku jiray ayaaban haysan wax shaqo ah, dhaqaale ku filan iyo cafimaad toona, xirfada aad kuwan ula diyaarka tihiin fadlan kuwaas horta bara shaqooyina sidii loo abuuri lahaa naga caawiya.

Wuxuu dareemayey dhaqaalaha dadkaasi u diraan eheladooda dalkiisa ku sugan.

Banagiga aduunka ayaa warbixinihiisii ugu danbeeyey ku sheegay in (tusaale: Somalia 80% dadku waxay ku tiirsan yihiin eheladooda dibeda jooga).

Isla markaana in ay wado furan noqon doonto oon ka noqosho lahayn dalalkan ka daalay qaxoontiguna ay ku soo wada xidhan doonaan taas oo keeni karta in dalkiisa lagu soo celiyo cid kasta oo looga shakiyo inay u dhalatay.

Hadaba akhristoow arintaasi waxay dhex maraysay laba dowladood oo calankooda hor fadhiya lana aqoonsan yahay, dawlad dhaqaale u baahan iyo mid haysa.

isla waqtigaas laftiisa Dawladii uu hogaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday M.Ibrahim Egal Sanadkii 1997kii iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey Xisbigii Social Democrati-gu ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda, Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Danish krone ( 8 million Dollar) Iyadoo lagu magacaabaayo Mucaawino iyo Dib- udajin loogu deeqayo dadkaa la soo celinaayo.

Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Denmark ka war heleen.

Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ......Garo oo Qofkiiba Waa 1 million oo krone.

Muddo ka bacdi markii Xiisadii dantay oo la iska ilaawey arintiiba ayaa Dawladii Denmark si dadban oo hoos-hoos ah Hawshii u Fulisay, Maamulkii Somaliland-na Qayb libaax laga siiyey lacag dhamayd 120 million oo krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu talo-galay, isla-markaana 14 Qof oo Somalilander ah laga soo celiyey Denmark oo lagu keenay Hargaysa sife Qasab ah. (ka soo xigtay Hargeysa.Org).

Iyadoo taasi jirtay aanay ku fashilantay dawladii Marxuum Cigaal ayaa dhawaan waxa booqasho ku tegay dalka. Wafti ka socda waaxda socdaalka ee dalka Britain kaas oo la kulmay xukuumadda Somaliland heshiisna kala gaadhay in dib loogu soo celiyo Somaliland dadka u dhashay ee sida sharci darrada ah ku jooga dalka Ingiriiska.

(xasuusnow laga soo bilaabo 1992 qof u dhashay waqooyi sharci lama siin, ogowna kumaankum ayaa jooga maalin kasta lagu sheego inay ka soo jeedaan waqiiyiga somalia amaba somaliland).

wafdigaasi oo uu hogaaminayay Colin Harbin oo ah agaasime ku xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee dawladda Britain oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in dadka dib loo soo celiyo, ay yihiin kuwa magangelyo doonka ah ee aan la aqbalin codsigooda. (Waa imisaad u malaynayasaa? Reer waqooyiga ku nool dalkan inta BRITISH PASSPORT HAYSATA MOOYEE imisaa la aqoonsan yahay???? waraysi aan la yeeshay 150 qof oo reer SL asalkoodu ahaa 65 ka mid ah ayaa BRITISH ahaa 60 waxay ku dhiibanaayeen qabiilo kale iyo koonfur 25 waxay haystaan ka bax wadanka mudo dheerna dacwadoodu way laabnayd waana dad shaqaysta qaarkoodna meherado ku leeyihiin dalkan GB bil kastana lacag u dira dadkoodii ka danbeeyey)
Mr. Colin Harbin waxa uu sheegay inay dadka ku dhiiri-gelin doonaan inay iskood u soo noqdaan, laakiin haddii ay diidaan lagu khasbi doono dib u soo celinta.

Sida ku cad qoraalka heshiiska waxa wada gaadhay wasaaradda dib u dejinta ee Somaliland iyo waaxda socdaalka ee Britain, wuxuuna dhigayaa in ugu badnaan bishiiba lagu soo celin karo Somaliland toban qof oo ah dadka u dhashay ee sida sharciga aan waafaqsaneyn ku jooga dalka Britain.

(waa dadkii la diidanaa sanadaha dheer, wadankana ka shaqaysta umadoodana kaalmeeya).

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay wada shaqeyn dhow ka yeelan doonaan xaqiijinta in dad soo celintaasi la joogteeyo
Waxaa ku qoran heshiiskaasi oo kale in dadka la soo celinaayo la dhawrayo karaamadooda qof ahaaneed, iyadoo lagu xusay heshiiskan in tallaabadan ay suurtagelisay nabadda, xasilloonida, iyo degenaanshaha ay ku jirto Somaliland sannadahan danbe.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Edna Aden Ismaaciil oo heshiiskaasi ka hadlaysay ayaa sheegtay inuu khuseeyo oo keliya dadka bilaa sharciga ah ee gala denbiyada socdaalka ee ku nool dalka Britain una dhashay Somaliland ee lagu qanco marka la soo mariyo xafiiska wakiilka Somaliland ee London.

(Adnaay danbiga laguu sheegayaa waa soo gelida dalkan kaas baaba danbi ah 99% soomaalidu waxay ku soo galeen dalalkan galbeedka si bilaa sharci ah amaba sharcigii ay ku soo galeen way qariyeen!!!!)
Edna Aden Ismaaciil waxay intaasi ku dartay in xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Ingiriisku hubin doono in dadka la soo celinayo, si aanay u dhicin in dad aan Somaliland u dhalan lagu soo celiyo dalka Somaliland.

Waxay kaloo sheegtay inay isla garteen saraakiisha Britain in inta aan la soo celin qofka marka hore la soo siiyo tababar xirfadeed uu ku shaqeysan karo.

(shaqadaad u haysaan waa noocee? Somalilandse shaqada la qabtaa maxay tahay ma dad aan iman baa looga shekaynayaa meesha?)

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo la weydiiyay in xukuumadeeddu ay kubeddelatay wax lacag ah ogolaanshaha soo celinta dadka u dhashay Somaliland ee sida sharci darrada ah ku jooga Britain?
Waxay ku jawaabtay inaanay haba yaraatee taasi jirin.

TIMIRTA LAF BAA KU JIRTEE BERRIBA WAY IMAN WAAYO SAANCADUHU BEENTA MA YAQAAN WAANU NOO SHEEGI DOONAA WAXAN AFKA LA INOO GELIYEY EE ARINTII ADUUNKOO DHAMI DIIEEN S/LAND U OGOLAYEY.

Akhristoow anigoon faalada dheerayn dawladii aan fadhiba baranini waxay markiiba xidhaysaa dhuunta kaliya ee ay dadkeedu ka quutan (xataa wasiiradeeda), maxay uga cabanayeen adhigii la xidhay? Alaylehe adhi baad sheegayseene iminkaad islaamo badan biil la`aan iyo darxumo u horseedeen.

XIKMAD: Abwaan Cabdi Xukun Wuxuu yidhi "Maan calaacalkaba dhimo ,Caqligeyga kaashado, Cuudkana ku ciil baxo, Cududdana ku meel maro is caddeeyo aniguba".

Allaa Mahad leh.

Bashiir Kaarshe.

London, UK.

Top


Kooxda Haatuf Oo 44 - 35 Dhibcood Kaga Adkaatay Al-Aqsa.

A/fataax M. Caydiid.

Hargeysa (Haatuf) - Tartan Kubadda Kolayga ah oo lagu xusayo Marxuum Faysal C/raxmaan C/laahi “Faysal-dheere” oo ka mid ahaan jiray ciyaartoyda kubadda Koleyga ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay ka bilaabmay Garoonka Kubadda Koleyga “Tima-cade” ee magaalada Hargeysa. Tartankan oo ay ku tartami doonaan 10 kooxood oo ka tirsan kooxaha kubadda Koleyga ee ka dhisan magaalada Hargeysa, waxa shalay ciyaartii furitaanka tartankaasi iskaga horyimid kooxda Haatuf Media Network iyo kooxda Al-Aqsa.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan, waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u hufnayd, dadweynihii daawanayayna ay aad ugu bogeen.

Ciyaartan oo wakhtigii ay labada kooxood ciyaarayeen ahayd mid weerar iyo weerar-celin ahayd ayay kooxda Haatuf Media Network gacan sareynta mar walba lahayd, waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhammaatay 22 dhibcood oo ay lahayd kooxda Haatuf iyo 12 dhibcood ay keensadeen kooxda Al-Aqsa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Al-Aqsa isku dayeen in ay faraqa natiijadii wax ka bedelaan, iyadoo dhinaca kalena ay kooxda Haatuf isku dayayeen inay sii wataan hogaanka ciyaarta ay hogaaminayeen.
Ugu dambeyn ciyaartii waxay ku dhammaatay guul ay kooxda Haatuf ku guulaysatay 44 dhibcood iyo Al-aqsa oo 35 dhibcood keentay.

Ciyaartoyga Siciid Cabdi Muxumed Xarbi, ayaa ahaa xiddiga ciyaartan, kadib markii uu keligii u dhaliyay kooxdiisa Haatuf Media Network 29 dhibcood oo uu 21 dhibcood oo ka mid ah uu ku dhalay 7 shuut oo midkiiba saddex dhibcood tahay ama loo yaqaan (3 point shot), ciyaartoygaas oo dhererkiisu aanu aad u dheerayn, haddana waxa uu la yimid xirfad heer sare ah oo u suurto-galisay inuu dhibcahaa badan dhaliyo. Waxa kale oo ka mid ahaa ciyaartoydii dhibcaha u dhalay kooxda Haatuf Media Network, Maxamed Axmed, Fatxi Cali Yuusuf iyo Siciid Aadan. Dhinaca kooxda Al-Aqsa, waxa ugu dhibco dhalin badnaa ciyaartoyga C/fataax Nuux oo 15 dhibcood u dhaliyay kooxda Al-Aqsa iyo Saalax-Caynaba oo isna ka mid ahaa ciyaartoyda dhibcaha u dhaliyay kooxda Al-Aqsa.

Ciyaartan waxa garsoorayaal ka ahaa Faysal Muuse iyo Mukhtaar Xasan Ismaaciil.

Top


Guddoomiyaha Ururka Sysa Oo Hambalyo U Diray Kooxda North Stars Oo
Ku Guulaysatay Koobkii 2003 Ee Dalka Kanada.

London (Haatuf) - Tartan kubadda Cagta ah oo beryahanba ka socday dalka Kanada oo ay ka soo qaybgaleen kooxo dhawr ah oo ka kala yimid Yurub iyo Amerika ayaa waxa habeenkii Axadda ku guulaystay koobkii sanadkan 2003 kooxda North Stars, taas oo ka dhigay markii labaad ee ay kooxdani ku guulaystaan sadexdii sanadood ee u dambeeyay.

Gudoomiyaha Ururka Somaliland Youth & Sports, Xasan Maxamed Waraabe Cadde, ayaa hambalyo u diray dhalinyaradaas dedaalka muujiyay, isla markaasna ku tilmaamay guushaas mid taariikhi ah oo muujinaysa kaalinta muuqata ee xagga ciyaaraha ee ay kooxdaasi u soo hoysay naadiga iyo guud ahaan dalkooda. “Waxa aan ku sii dhiiri gelinaynaa in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda, mustaqbalkana ay ku soo ciyaaraan dalkoodii hooyo ee Somaliland” ayuu raaciyay Gudoomiyaha ururka SYSA, Xassan Maxamed Waraabe Cadde.

Top