Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 3378 July 20, 2003

“Aniga Oo Ka Turjumaya Shacabka Puntland Waxaan Aqoonsanahay Somaliland,” Maxamed X. Aadan.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Arrinta Wakiiladu, Gedoodii Hore Iyo Gad Cusub Waa Iyama?

Daar-Al-Iimaan: Dugsi Cusub Oo Laga Furay Hargeysa.

“Hebel Cadaadi Iyo Hebel Soo Dhowee, Aniga Madaxweynuhu Igulama Soo Ballamin”, “Haddii Aad Aragto Dad Iyo Madax Is Haysta, Cilladu Waa Xagga Madaxda,” Waraysi ----- Badhasaabka Burco.

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Hormadii U Horaysay Ee Wasiirada Rayaale
“Waxaan Maqlayay Rag Leh Wasiiru-Dawluhu Dastuurka Kuma Jiro, Markaa …” Gudd. Wakiilada, Md. Qaybe.

Muranka Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo Saameeyay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera, Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Berbera.

Maxaabiista Siyaasadda Oo Markale Xadhig Rumaan Ah Caynka Loo Giijiyay.

Maayorka Boorama Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Khasaaraha Roobab Ka Da’ay Awdal.

Nelson Mandela Oo Xusay Dhalashadiisii 83aad.

Kofi Anan Sidee Buu Uga Hadlay Xaaladda Ciraaq?

Tony Blair Oo Fadeexadi Kaga Furantay Duulaankii Ciraaq.

Kulmiye iyo London.

Muslimiinta Maraykanka Oo Ka Cawday Dhibaatada Dawladdu Ku Hayso.

Ololaha Nabadaynta Hadraawi Oo Gaadhay Kismaanyo.

Ku: Wasiirka warshadeynta iyo baayacmushtariga ee Somaliland, Mudane Maxamed Xaashi Cilmi.

Sidee Loo Arkaa Hadraawi? Cumar Nimcaale.

Xaalka Ganacsatadu Ma Caduur Dhawdhawdu Uma Dhaadhacsanaa? Maxamed Cabdi Curad.

Horta Dalkaaga Daryeel.

Gaashaan Oo 50-29 Dhibcood Kaga Badisay Kooxda Haatuf.


“Aniga Oo Ka Turjumaya Shacabka Puntland Waxaan Aqoonsanahay Somaliland,” Maxamed X. Aadan.

Waxaan cadaynayaa inaan ahay gudoomiyihii xaaladda degdegga ahaa ee uu magacaabay maamulkii sharciga ahaa ee Jaamac Cali Jaamac ee xilka iskaga tegay. Hase yeeshee aan weli hayo xilkaygii dhinaca ciidamada, siyaasadda iyo baarlamaankiiba, waxaana la ogyahay inuu C/laahi Yuusuf xoog ku qabsaday Puntland.

Dhacdadii ugu dambaysay waxay ahayd lix cisho ka hor markii uu nin ciidanka ka tirsani dilay nin kale oo ciidanka ka tirsan, ka dibna ay maxkamadi gacan-kudhiiglaha ku xukuntay qisaas, laakiin ilaalada madaxtooyada C/laahi Yuusuf ayaa isku xeertay jeelka Boosaaso si aan looga saarin gacan-dhiiglaha oo loo dilin, sidaa darteed waxa shalay Boosaaso dib ugu soo laabtay Cadde Muuse oo uu C/laahi Yuusuf Nayroobi ka soo diray si uu xaliyo xiisadda taagan iyo ciidanka kala fadhiya.

Waxa kale oo aan caalamka iyo shirka Nayroobi ee kooxaha Somaliya u sheegayaa inaanu C/laahi Yuusuf metelin shacabka Puntland, iyadoo la ogyahay inuu maamulka xoog iyo af-gembi ku qabsaday, waxaanuna maxkamadda aduunka horteeda kaga dacweynaynaa xad-gudubyadii bini’aadminimada ka dhanka ahaa ee uu sameeyey, isaga oo laayey shacab aan waxba galabsan, iyadoo aan anigu ka mid ahaa 600 oo qof oo 6 bilood ku jiray xabsiga Boosaaso, iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, si naxariis daro ahna loola dhaqmay.

Ugu dambayn waxaan qabaa in caalamku aqoonsado Somaliland, iyadoo la ogyahay inay maanta ku talaabsatay dimoqraadiyad ku dhisana doorasho iyo tartan xisbiyo badan, kuna nool nidaam dawladeed oo nabadgelyo u horseeday shacbiga, mana dhici karto in lagu dirqiyo wax aanay rabin, cadaaladuna ma aha in lagu xidho heshiis la’aanta dhawrka iyo labaatanka madaxweyne-kooxeed ee ka jira koonfurta Somaliya. Hadii aan la aqoonsan Somaliland waxa aduunka ka furmaysa su’aal ah, miyaan la rabin inay Somaliya ka dhalato dawlad ku dhisan deganaan iyo dimoqraadiyad.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa inaan aqoonsanahay Somaliland aniga oo ka turjumaya shacabka Puntland, waxa kale oo aan shaki ku jirin inay gobolada Sool iyo Sanaag ka mid yihiin Somaliland, markhaatina waxa ka ah madaxda goboladaa kaga jirta golayaasha maamulka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Xaaji Aadan

Top


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Arrinta Wakiiladu, Gedoodii Hore Iyo Gad Cusub Waa Iyama?

Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay markii u horaysay annsixiyey afartii xubnood ee u horeeyey golaha wasiirada ee uu madaxweyne Rayaale magacaabay, iyadoo ay mudanayaashu afartaa wasiir-ba oodda ka qaadeen. Sidoo kale fadhiga maantana waxa la filayaa inay horyimaadaan afar wasiir oo kale si loo ansixiyo, taas oo la filayo inay afartaana qalinka ku duugaan, iyadoo uu golaha wasiirada ee madaxweyne Rayaale hadda tiradiisu marayso konton-kudhowaad, isla markaana la hadal hayo inuu xubno kale oo cusub soo magacaabo.

Hase yeeshee waxa maalmahan aad loo maqlayey baali-xoofto ka soo yeedhaysay mudanayaasha aqalka wakiilada, taas oo ay suuqa soo gashadeen inay wasiiradan tirada badan goosan la hadhayaan oo aanay ansixin doonin, taasina waxay ahayd sheeko ay aad ugu hadaaqayeen inta badan mudanayaasha golahani.

Dhinaca kalena waxaan xarakoodu qarsoonayn rag badan oo wasiiro ah, kuwaas oo qaarkood xan loogu keenay inay ka mid yihiin raga loo dhaaranayo, sidaa darteedna uu xarakaadkoodu la xidhiidho kaambayn ay kaga hortegayaan inay codadka mudanayaasha sidaana ay kaga hadhaan ansixinta, waxaana la sheegay inay wasiiradani dur-ba u gacan-haadiyeen rag mudanayaal aha, si ay faraha dufan ugu mariyaan codkana uga ansixiyaan.

Inkasta oo ay mudanayaasha golaha wakiiladu ku hanjabayaan inay wasiiradan rag door ah kala hadhayaan, hadana taasi uma qudhqudhsana dadweynaha, waxaana dabeecadii ay caanka ku ahaayeen ee ay maalmaha ay mawduucyadan oo kale hor yimaadaan baali-xooftada iyo gurxanka isla qaad-qaadi jireen, hadhowna marka waxoogaa yar gacanta loo saaro ay duuduub ku ansixin jireen, laakiin qaarkood oo su'aashaa la waydiiyey ayey ku tiraabay Maanta tani way naga go’an tahay, waxaynuse doodda ku soo xidhaynaa sheekada wakiiladu laba hal mid waa iyama gedoodii hore ee rux-ruxashada dha’…dha’…dha’, iyo inay ...

Top


Daar-Al-Iimaan: Dugsi Cusub Oo Laga Furay Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf):- Dugsi islaami ah oo cusub lana magac baxay DAAR AL-IIMAAN ayaa maalintii shalay laga furay xaafada Jigjiga-yare ee magaalada Hargeysa.

Xafladii furitaanka dugsigan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi maalintii shalay waxa ka soo qayb galay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Maxamed, Agaasimaha Guud ee wasaarada Dib-U-Dajinta C/laahi Cumar Xasan Guuleed, mudanayaal ka socday golayaasha baarlamaanka oo uu ka mid yihiin Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Suldaan C/Raxmaan Sheekh Maxamed iyo siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Axmed Jaanbiir Suldaan oo hore u ahaan jiray wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maxamed-Rashiid Sh. Xasan Baashe Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Cabdi Haybe iyo xubno ka socday gudida wanaag farida & xumaan reebista, culimaa’u diin kale iyo marti sharaf kale oo aad u badan waxaana halkaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan.

Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Suldaan C/Raxmaan Sheekh Maxamed oo aad ugu mahad-naqay aasaasayaasha dugsiga iyo cidii gacan ka gaysatay, isaga oo kula dardaarmay waalidiinta inay caruurtooda ku daraan dugsigan si ay diintooda u bartaan.

Waxa isna halkaa ka hadlay X. Cabdi Waraabe oo ka hadlay ahamiyada ay barashada diintu leedahay: “Barigii la furay masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa waxa Jabuuti looga yeedhay nin carab ah, waxaase maanta I faraxad galinaaya inay dugsiyo badan oo diinta lagu bartaa dalka ka furan yihiin” ayuu yidhi X. Cabdi Waraabe.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo isna halkaa ka hadlay ayaa amaanay furitaanka dugsiga oo uu tilmaamay qiimaha uu u leeyahay barashada diinta, isaga oo sheegay inay wasaaradiisa ka gaabisay kor-meerka dugsiyada diinta lagu barto balse ay farxad u tahay inuu ka soo qayb-galo furitaanka dugsigan.

Ugu danbayn waxa xafladaasi war-bixin ka soo jeediyey Axmed C/Salaan Aadan oo ah maamulaha Dugsigaasi isaga oo sheegay in dugsigan lagu dhisay 28 cisho oo kaliya iyada oo la dhagax-dhigay 22/6/2003 lana dhamays tiray 18/7/2003, waxaanu sheegay in dugsiga lagu baran doono Qur’aanka Kariimka ah iyo Culuumtiisa, marka lagu daro luqada Carabiga, isaga oo balan qaaday inuu ilaalin doono tayada iyo tiradda dugsigiisa, isaga oo intaa raaciyey inuu fasalkiiba 30 arday dhigan doonaan halka dugsiyada kale ay fasalkiiba dhigtaan 70 arday.

Xarunta Dugsiga DAAR AL-IIMAAN oo ka kooban 10 fasal, xafiisyada maamulka iyo macalimiinta, hoolka shirarka, Cafeteria iyo Masaajid loogu talo galay ku tukashada salaadaha, waa dhisme si fiican loo qalabeeyey, waxaanu xooga saarayaa xiftiga Qur’aanka iyo barashada culuumta Diinta iyo barbaarinta ubadka si ay u helaan tarbiyad haboon.

Top


“Hebel Cadaadi Iyo Hebel Soo Dhowee, Aniga Madaxweynuhu Igulama Soo Ballamin”, “Haddii Aad Aragto Dad Iyo Madax Is Haysta, Cilladu Waa Xagga Madaxda,” Waraysi ----- Badhasaabka Burco.

Burco (Haatuf): Badhasaabka gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere ayaa sharax ka bixiyey duruufaha maamul iyo siyaasadeed ee gobolkiisa, taas oo uu xaaladda nabadgelyo ee gobolka ku tilmaamay mid aad u shilis, isaga oo dhinaca kalena intaa ku daray inay xaaladda siyaasadeed ee gobolku hadda aad u jimcoon tahay, laakiin gobolka waxa jira duruufo maamul oo dhinacyo badan, isla markaana waxa jira saluug maamul oo ay dadka reer Burco farta ku fiiqayaan.

Cabdi Xuseen Dheere waxa uu xilka badhasaabnimo hayey ilaa afar bilood iyo wax aan dhaamin, iyadoo uu madaxweyne Rayaale jadadaa u magacaabay, waxayna magacaabistiisu ku beegnayd wax yar ka hor markii ay kaabiga soo saarnayd doorashadii madaxtooyada ee dhacday 14-kii Abril, 2003, iyadoo Cabdi Xuseen mar ka mid ahaa kooxaha mucaaradka ah ee ugu xag-jirsan ee ku kacsan dawladda Somaliland, balse wax yar ka hor ayaamihii doorashada ayuu ku biiray xisbiga muxaafidka ee dawladda (UDUB).

Cabdi Xuseen Dheere inkasta oo uu sheegay inuu ku hammiyayo inuu ka shaqeeyo horumarka gobolka, hadana waxa uu u muuqday inay duruufo maamul oo baaxad lihi ku xeerran yihiin, sidaa awgeed ay suurta gal tahay inuu ku hafto duruufaha kua gadaaman, iyadoo dhinaca kalena aanay meesha ka muuqan badhitaarkii dawladda dhexe ee ay waacidsan lahaayeen maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka. Sidoo kale magaalada Burco oo ah magaalada labaad ee Somaliland, kuna taal badhtamaha dalka waxay waqtigan xaadirka ah u baahan tahay cudud maamul oo u dhiganta duruufta maamul ee taal, taasina waxay u muuqataa inaanu dhaqaale ahaan iyo awood ahaan midna ku filayn itaalka maamul ee hadda ka jiraa, iyadoo aad loo soo jaleecayo dhinaca dawladda dhexe ee fadhigoodu yahay Hargeysa, taas oo la leeyahay tolow maxaa ka soo socda.

Dhinaca kalena dadweynaha reer Burco waxa dareenkooda ka muuqda saluug oo maamul, taas oo ay ka yididiilo xun yihiin sidii ay u arki lahaayeen maamul shilis oo ku filaadda baahiyahooda dhinac kasta.

A. Ducaale oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ka soo laabtay socdaal uu muddo ku joogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waraysi la yeeshay badhasaabka Burco, waxna ka waydiiyey xaaladaha iyo arimaha gobolkiisa, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Bal ka warran xaaladda nabadgelyo iyo maamul ee gobolka?

J: Horta xaaladda nabadgelyo ee gobolku aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, maalinkaa maanta ahna maalin ay nabadgelyada gobolku ka wanaagsan tahay ma jiro, laakiin anigu runtii waxaan gobolka ku soo beegmay xiligii ugu adkaa ee ololaha doorashadaa, xiligaas oo ay dadku xisbiyo ku kala fayleen, wuxuuna wer-werka ugu badan ee aanu wadnaha farta kaga haynay ahaa dhinaca nabadgelyada oo si yar faraha uga bixi karaysya, haseyeeshee nasiib wanaagsan taasi wanaagsan oo nabadgelyo ah ayey nooga dhamaatay, sida la ogyahayn doorashadii si wanaagsan oo nabadgelyo ah ayey uga dhacday deerona, deero ma hirdiyin.
S: sida aad adiguba xustay kaambayn adag ayaa xiligii doorashada dhacay, arintaasi saamayn intee le’eg ayey xaaladaada maamul ee gobolka ku yeelatay?

J: Runtii dadkeenu waa dad wanaagsan, markaa arintaasi wax saamayn xun ah oo ay ku yeelatay ma jiro, sidii ay wax ku dhamaadeen ayuun qof waliba u qaatay, caloosha bini’aadanka lama xukumi karo, laakiin wax dhaawac ah oo aan is leeyahay gobolka ayey soo gaadhsiisay ma jiro, dadkuna waa isku mid.

S: Adigu badhasaab ahaan waxaad ka soo jeedaa degaamada bariga Burco ee uu ka soo jeeday ninka hogaaminayey xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, taasi ma waxaad leedahay saamayn iguma yeellan?

J: Dee hadii aanay jirin wax soo socdaa ilaa iminka ma jirto wax saamayn ah oo ay igu yeelatay, waayo dadkeena waxa wax walba kala qiima badan nabadda iyo ilaashada dawladnimadooda iyo Somaliland-nimada, doorashadiina madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka ku guulaystay ayey u haniyeeyeen, dadka reer Togdheer-na ma jiraan wax alaaliyo wax dhexyaal oo dhibaato ahi.

S: Marka arimaha nabadgelyada laga hadlayo ciidanka booliska ee gobolka aad baa loo dhaliilaa, taa ma ogtihiin maamul ahaan?

J: Horta booliska gobolku waxa uu wax la qabaa booliska kale ee wadanka, wayna jiraan duruufo oo masalan booliska hadii uu inkaaniyaadkoodu u dhan yahay si joogta ah ayey nabadgelyada gacant ugu dhigi lahaayeen, markaa koleyba mashaakilaad dhinaca booliska ahi waa jiraa, taana waanu ognahay, waanuna jecelahay inaanu wax ka qabano hadii eebe yidhaahdo.

S: Duruufaha ama mashaakilaadka booliska gobolka haysta ma kala hadashay hogaanka dawladda dhexe, gaar ahaan hayadaha ku shaqada leh ?

J: Somalidu waxay tidhaahdaa nin kaa weyna wax loo sheego, nin kaa dheerna waxba looma tilmaamo, hase yeeshee waxaan is lahaa marka aad Hargeysa tagto madaxweynaha arintaa hordhig, sidaa ayaan ku talo jiraa.

S: Adiga (Badhasaabka) iyo madaxda dawladda hoose waa sidee wada shaqayntiinu?

J: Horta way fiican tahya wada shaqayntayadu, waxaanuna hadda ku wada jirnaa hawlo balaadhan oo dhinaca wax qabadka magaalada ah, laakiin xaqiiqdii ilaa hadda waxba kama sheegi karo xaaladda madaxda dawladda hoos, waayo iyaga qudhoodu meesha way ku cusub yihiin, waxayna la kulmeen iyadoo meesha dayn badan lagu leeyahay, oo shaqaaluhu mushahaarooyinkii leeyahay, oo duruuf adag bay qudhoodu la soo kulmeen, balse sida la ogyahay wax soo saarka gobolku dhinaca dhaqaalaha waa dawladda hoose, taas darteedna inuu gobolku dhinaca dhaqaalaha dawladda hoose kaga tiirsado waa mid loo baahan yahay, laakiin ilaa hadda taasi ma jirto, waxaanse taa ku liqayaa duruufta ay la soo kulmeen.

S: Marka la eego xaaladda maamul ee gobolka badhasaaba ahaan waxa ku horyaal duruufo waaweyn, markaa maxaad is leedahay mustaq-balka aad qabatid ama ku talaabsatid?

J: Horta nabadgelyo xumo ima hortaal, dhacdooyinka yar yar ee yimaadana anaga oo aan cidna ku mashquulin ayaanu ku kalsoonahay inaan mar walba xalilo, laakiin waxyaalaha I horyaal waxa ka mid ah arimaha horumarka gobolka sidii aan wax uga qaban lahaa iyo sidii adeegyada bulshada wax looga qaban lahaa, markaa waxyaalo badan oo dhinaca horumarka ah ayaa kutalogalkayagu yahay inaanu qabano.
S: Hayadaha dawladda dhexe ee gobolka itaal daro maamul ayaa ka muuqda, sida Booliska oo kale , duruufahaa maamul miyaadan is lahayn wax ka qabo?

J: Horta ninka hayadaha samafalka u qaabilsan dhinaca amniga ayaan ka codsaday inuu arimaha booliska wax nagala qabto, taana wuu iga ballan-qaaday, ta kale sida aan horeba kuuga sheegay waxaan arinta booliska iyo arimaha kaleba kala kulmi doonaa madaxweynaha, aniga oo aaminsan inuu wixii uu qaban karo nagala qabanayo.
S: Mudadii aad xilka haysay maxaad odhan kartaa waan qabtay oo aad ku faani kartaa?

J: Horta anigu waxaan ku soo beegmay xili aad u adag oo ah xiligii ololaha doorashada oo ay dadka oo dhami axsaab ku kala fileen oo aanu jirin qof keliya oo meel joogaa, isla markaana waxa taagnayd caadifaddii ololaha doorashada, iyadoo xataa maalintii lagu dhawaaqay natiijada ay dad mudaharaadeen oo rabshado sameeyeen, dadkaas oo u badnaa dad wax ma garato ah waxay burburiyeen oo waxyeelo weyn u geysteen hanti dad leeyahay, laakiin aniga iyo maamulkaygu waxaanu go’aan ka dhiganay inaanu nabadgelyada ku fara-adaygno, taasina ilaahay mahaddii way suurta gashay, markaa waxaan odhan karaa marxalad adag oo aan gobolka ku soo beegmay ayaan ka soo saaray. Waxa kale oo aan ka shaqeeyey walaalaynta dadka reer Burco.

S: Ma is leedahay dadka reer Burco si wanaagsan bay kuula shaqeeyeen ama kuula shaqayn doonaan mustaq-balka?

J: Anigu waxaan aaminsanahay in dadku ka hor-imanayo ninkii madax ah ee wax xumaynaya, laakiin qofkii wax qabanaya dadku mar walba waa u diyaar inay wax la qabtaan ama la shaqeeyaan, balse hadii aad aragto dad iyo madax is haysta cilladdu waa xagga madaxda.

S: Duruuf dhaqaale ma ku haysataa, mise way kugu fillan tahay miisaaniyadda laguu soo qorsheeyey?

J: Horta iminka odhan-maayo duruuf dhaqaale ayaa I haysata, xilkana waan ku cus-bahay, ta kale sidii aan xilka u tirsaday isma aanu arag madaxda sare oo dib uguma aan noqon, markaa wixii tabasho iyaga ayaan u sheeganayaa.

S: Adigu mar waxaad ahaan jirtay mucaarad xag jira, maantana xisbiga muxaafidka (UDUB) ayaad ku jirtaa, mawqifkaaga isbedelay iyo dareenka labadaa marxaladood mid-ba sidee baad u aragtaa?

J: Aniga markii halkan lay soo magacaabay oo ahayd markii ay xaaladdu ugu darayd ee badhasaabada iyo Dhiisayada la odhan jiray waa la balimiayaa oo waxa lagu balimiyaa hebel-na sidaa u cadaadi, hebel-na sidaa u soo dhowee, aniga taa madaxweynaha iyo wasiirku toona igulama ay soo ballamin, markaa anigu dadka dhex ayaan u ahaa, iminkana dhex ayaan u ahay, waayo hadii aanan dhex u ahayn way muuqan lahayd, qayladuna beri hore ayey meel walba ka dhici lahayd.

S: Markaa ma waxaad leedahay axsaabta siyaasiga ee jira anigu dhex baan u ahaa ama u ahaanayaa?

J: Haa, markii horena dhex baan u ahaa, dhexna waan u ahaanayaa maamul ahaan, dhexnimadaana waxa u markhaati furaya dadweynaha, waayo hadii aanan dhex ahayna ummad badan oo iga qaylinaysa ayaa soo bixi lahayd.

Top


Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Hormadii U Horaysay Ee Wasiirada Rayaale
“Waxaan Maqlayay Rag Leh Wasiiru-Dawluhu Dastuurka Kuma Jiro, Markaa …” Gudd. Wakiilada, Md. Qaybe.

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa fadhigii shalay ku ansixiyey afar wasiir oo hordhac u ah golaha xukuumadda ee uu madaxweyanaha Rayaale dhawaan magacaabay.

Xubnaha wasiiradda ka hor intii aan golaha la horkeenin waxay ku sugnaayeen xafiiska gudoomiyaha golaha wakiiladda, Mudane Qaybe oo gudoominayey fadhigaa ayaa mudanayaasha u sheegay in golaha la horkeenayo lix xubnood oo ka mid ah golaha xukuumadda, wuxuuna mudanayaasha u sheegay hadal kooban oo kaga afeef dhiganayo sawaxan iyo buuq ka dhasha inta lagu guda jiro hawsha ansixinta, isaga oo yidhi “Waxaan maqlayey rag leh, wasiir dawle dastuurka kuma jiro, markaa waxaan idiin sheegayaa, haddaynu nahay golahan in la inooga baahan yahay, inaynu nidhaahno wasiir waliba barnaamijkiisa ha geeyo golaha wasiiradda, inagana waxa la inoo keenayaa barnaamij midaysan oo ay xukuumaddu leedahay”.

Wuxuuna intaa ku daray in golaha wasiiraddu soo ansixiyaan barnaamijka wasiir kasta, laakiin inkasta oo buuq iyo sawaxan guux ahi ka kacay, hadaladaa, haddana markii dambe waxay ku taageereen gudoomiyaha hadalkaa.

Fadhigaa golaha wakiiladda waxa fadhiyey 62 mudane waxaana la bilaabay in wasiiradda la soo tuso wajiyadooda mudanayaasha golaha, ka hor inta aanay ansixin, iyada oo la horkeenay golaha afar xubnood oo kala ah wasiirka ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta Xasan Cabdi Kheyre, wasiirka arrimaha dibadda Edna Aadan Ismaaciil iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr. Axmed Jaamac Samatar (Who), iyada oo aanay labada xubnood ee maqan oo la socday liistada magacyada loo soo gudbiyey golaha si loo ansixiyo aanay ka soo xaadirin halkaa, waxaanu goluhu guda galay hawsha ansixinta ee xubnaha golaha wasiiradda, ka dib markii golaha hortiisa laga akhriyey CV-yada wasiiradda, iyada oo ugu horeyn goluhu u codeeyeen wasiirka ganacsiga iyo wershadaha, kaas oo ay goluhu ku ogolaadeen cod aqlabiyad 61 mudane, halka uu ka aamusay hal mudane, isla markaana aanay jirin cid diiday.

Wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta ayaa isagana goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, ka dib markii ay 56 Mudane ay siiyeen codkooda, lix mudanana ka aamustay, iyada oo aanay jirin cid diiday.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Axmed Jaamac Samatar (Who), ayay mudanayaashu ku ansixiyeen cod aqlabiyada, iyadoo ay 61 Mudane ogolaadeen, waxaana ka aamusay hal Mudane, cid diidayna ma jirin.

Wasiirka Arrimaha debeda Edna Aadan ismaaciil, waxay kusoo beegantay iyadoo ay tiradii Mudanayaasha kusoo kor dheen afar Mudane ,kuwaas oo tirada mudanayaasha ka dhigay 66 Mudane, waxaana uu golahu ku ogolaaday cod aqlabiyada , iyadoo 64 Mudane ogolaadeen , halka uu hal Mudane ka aamusay, islamarkaana may jirin cid diiday iyo gudoomiyaha oo aan codeyn.

Xubnahan golaha wasiiradda oo hordhac u ahaa xukuumadda uu madaxweyne Rayaale magacaabay dhawaan, waxa loo qorsheeyey in golaha la horkeeno shalay lix xubnood si ay u ansixiyaan, laakiin laba xubnood oo ka mid ah lixdaa xubnood ayaan iyagu ka soo xaadirin, lamana sheegin sababta maqnaashahooda, laakiin afartan xubnood ee shalay la ansixiyey waxay ahaayeen kuwo ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, isla markaana may ahayn xubnihii ay bulshadu aad u hadal haysay, maalmihii ay socotay doodii ka dhalatay magacaabista xubnaha golaha xukuumadda.

Waxaana la filayaa in maanta la horkeeno golaha lix xubnood oo kale, oo ka mid ah golaha xukuumadda Rayaale.

Marka laga yimaado ansixintan xubnahan, ayaa dadka intiisa badani waxay isweydiinayaan tirada golaha xukuumadda oo xad dhaaf iyo sida ay goluhu u ansixin doonaan

Top


Muranka Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo Saameeyay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera, Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Berbera.

Berbera (Haatuf): Waxa beryahan soo baxayey muran iyo khilaaf ka dhex oognaa xukuumadda iyo ganacsatada bagaashka ee badeecadaha kala soo dega dekadda Berbera.

Khilaafkaas oo ka oogmay ka dib markii ay xukuumaddu ku soo rogtay nidaam cusub oo ah manaasiifta badeecadaha ay sidaan gaadiidku.
Haddaba weriyaha Haatuf ee Magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) ayaa warbixin arrintaa la xidhiidha iyo saamaynta uu murankaasi ku yeeshay, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay sidan:

“Ismaan-dhaafkii dhawaan ka dhex oogmay ganacsatada badeecadaha bagaashka kala soo degta dekedda Berbera iyo maamulka xukuumadda ayaa hakiyey hawlihii dekedda, iyada oo ay ugu dambaysay bishii June ee la soo dhaafay badeecad ka soo baxda dekedda iyo mid laga cashuuro toona, taasina waxay saamayn weyn ku yeelatay nolol maalmeedkii iyo dhamaanba adeegyadii guud ee bulshada reer Berbera, waxayna dadku aad hadal hayaan sababta dhalisay muranka iyo khilaafka u dhaxeeya ganacsatada cashuur bixiyayaasha iyo maamulka xukuumadda, waxayna arrintan meesha ka saartay macaamilkii u dhaxeeyey ganacsatada bagaashka iyo dekedda Berbera, taas oo ka dhalatay ka dib markii ay xukuumaddu soo saartay nidaamka lagu toosinayo shaqada dekedda, iyada oo dib u habayn lagu samaynayo hubinta manaasiifta iyo badeecadaha ay sidaan gaadiidku, laakiin may jirin wax cashuur ah oo ay dawladdu kordhisay, balse waxay arrintanu keentay inay ganacsatadu go’aan adag ka qaataan oo ay u cuntami weydo nidaamkaasi, waxayna gebi ahaanba diideen ganacsatadu nidaamkaa wax lagu tirinayo, ee lagu soo rogay, isla markaana waxay diideen inay wax badeecad ah kala baxaan dekedda.

Arrintani waxay keentay in badeecadaha loo yaqaan bagaashku buuxiyeen barxadda dekedda, waana markii ugu horeysay ee ay arrintan oo kale dhacdo, iyada oo ay badeecadaha qaarkood muddo bil ah ku sugnaayeen dekedda gudaheeda.

Ganacsatada bagaash-leyda ahi, waxay cabashadooda u gudbiyeen maamulka sare ee xukuumadda, iyaga oo kulamo la yeeshay masuuliyiinta wasaaraddaha ganacsiga iyo maaliyadda, laakiin ilaa hadda dhinaca Berbera waxa laga war-sugayaa cabashadaa ganacsatada ee ku maqan dhinaca Hargeysa, waxayna dadka reer Berbera maalmihii u dambeeyey naawilayeen in xal loo helo khilaafkaas oo aad looga dareemay dhaqdhaqaaqa magaalada Berbera, iyada oo ay dad badan nolol maalmeedkoodu ku xidhnayd hawlaha ka socda dekedda, sida cashuuraha badeecadaha iwm.

Hase yeeshee, waxa jirta aragtiyo kala duwan oo ay dadku ka bixiyeen arrintan, kuwaas oo ah dadka aan iyagu ahayn ganacsatada iyo hay’adaha dawladda, waxayna aragtiyahaa qaarkood sheegayaan inaanay xukuumaddu ku kordhin wax cashuur ah ganacsatada, laakiin meesha laga saaray wax markii hore raali la iskaga ahaa, taas oo keentay inay u qaadan waayaan ganacsatadu, waxayna aragtiyahani ku tilmaameen inay taasi tahay halka uu ka soo unkamo hanti lunsiga iyo musuqmaasuqa had iyo goor lagu tilmaami jiray maamulka dawladda.

Sidoo kale waxa jira aragtiyo kale oo aan kuwaa ka fogayn, iyaga oo ku doodaya mar haddii aanay jirin wax cashuur ah oo lagu kordhiyey ganacsatada oo dhinaca tacriifadda ah inay haboonayd inay ganacsatadu alaabtooda cashuurtaan oo ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay, laakiinse haddii ay jirto wax intaa ka baxsan oo cabasho ahi waxay ahayd inay maamulka kala xaajoodaan.

Waxa kale oo iyaguna jira aragtiyo kale oo arrintan ku macneeyey mid xidhiidh la leh, maamulka sare ee xukuumadda, waxaanay ku tilmaameen mid u muuqata in lagu xanibayo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda, iyaga oo sheegay inay jiraan badeecado kootarabaan ah oo dhinaca bariga ka soo gala xuduudaha dalkeena, kuwaas oo xukuumaddu looga baahan yahay inay talaabo ka qaado, si loo helo nidaam dhamaystiran oo ku wajahan badeecadaha ka soo dega dekedda iyo kuwa soo mara dhinaca bariga, oo dhamaantood hal suuq wada taga.

Si kastaba ha ahaatee, marka la isku soo ururiyo is-maandhaafka xukuumadda iyo ganacsatada ee hakadka geliyey dhaqdhaqaaqii shaqo ee dekedda ayaa noqday mid dhaawac weyn u geystay tasarufkii dadka iyo dhaqaalihii yaraa ee ka soo bixi jiray dhinaca dekedda Berbera”.

Top


Maxaabiista Siyaasadda Oo Markale Xadhig Rumaan Ah Caynka Loo Giijiyay.

Hargeysa (Haatuf): Dhalinyaro muddo laba bilood ah ku xidhnaa jeelka Hargeysa ayaa shalay markii u horeysay la horgeeyey maxkamad. Kooxdan dhalinyarada ah oo ka tirsanaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa dagaalyahankii SNM waxa xabsiga loo taxaabay 19-kii bishii May, waxaana ay xukuumaddu ku eedaysay inay ka dambeeyeen falal lid ku ah nabadgelyada.

Dhalinyaradan oo laga qab-qabtay suuqa iyada oo qaarkoodna laga qabtay hotelka Minsing ee Magaalada Hargeysa, waxa ay maxkamad la’aan jeelka ku jireen muddo laba bilood ah, waxaana muddadaa ka hadlay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo xukuumadda ku eedeeyey inay meel kaga dhacday xuquuqda muwaadiniintaas, sababta oo ah waxa xabsiga loo taxaabay iyada oo aan maxkamad la horgeyn, taas oo sida ay sheegeen ka dhan ah xuquuqda muwaadiniinta uu dastuurku siiyey.

Kooxdan dhalinyarada ah waxa la sheegay inay maxkamaddu kiiskooda dib u dhigtay muddo 45 cisho ah, waxaanay magacyadoodu kala yihiin sidan Cabdi Jaamac Aadan, maxamed jaamac xasan, axmed yuusuf xasan, nuux axmed jaamac (laba aas), cismaan cabdi ismaaciil (Ina awr liqe), axmed barkhadle caydiid, cali cumar maxamed (cali aar), maxamed daahir warsame, keyse axmed cismaan, axmed maxamed xaashi (Ina Weere), Fu’aad C/laahi Muxumed, maxamed Diiriye Cali iyo C/Raxmaan Xamse Maxamed.

Sida ku cad xaashida ka soo baxday maxkamadda gobolka ee lagu socodsiiyey taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenka ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa, isla markaana uu ku saxeexan yahay garsooraha maxkamadda gobolka Hargeysa maxamed Saalax Cige waxa lagu sheegay in ay dhalinyaradaasi yihiin gar-sugayaal muddo dhaaf ah, sidaa awgeed la horkeeno maxkamadda.

Hase yeeshee, markii shalayto maxkamadda la horkeenay maxaabiistaa u xidhan siyaasadda, waxa dib loogu celiyey xabsiga iyada oo la sheegay in muddo shan iyo afartan cisho ah dib loo dhigay kiiskooda.

Top


Maayorka Boorama Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Khasaaraha Roobab Ka Da’ay Awdal.

Boorama(Haatuf), Xubno ka torsan maamulka degmada Boorama oo uu horkacyey duqa Boorama, Cabdiraxmaan sh.Cumar ayaa doraad u ambabaxay deegaanka magaalada Qulujeed si ay u soo qiimeeyaan kharsaaraha ay geysteen roobab dabaylo iyo baraf watay oo bishan 13keedii ka da'ay dhulkaasi .Sida uu u sheegay Duqa Boorama wariyaha Haatuf ee Boorama, waxay isaga iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka boorama soo arkeen khasaarahaasi roobabku u geysteen deegaanka la yidhaa doora- jabis waxayna roobabku dumiyeen masaajid,dugsi hoose iyo in ka badan 60 guri oo aqal soomaali ahaa, iyagoo isla markaana odayada deegaankaasi u sheegay duqa in khasaare kale soo gaadhay dhulbeereed ay ku yaalleen galley,duurjoog ay ka mid ahaayeen deerada iyo sakaarada oo ay roobabkaasi dileen.

Waxa kale oo dhibaato soo gaadhay MCHka qulujeed iyo khasaare hanti dukaan ahayd oo gebi ahaanba baaba'ay kuna yaallay halkaasi.Guud ahaan khasaaraha ay deegaanka Doora-jabis u geysteen roobabkaasi,ayaa waxa u sheegay in maamulka Boorama aanu wakhtigan dabooli karin ,wixii karaankooda ah oo aanu cayiminna u gudbiyeen,ayaa waxa ugu darani yahay bacaha roobka ,oo ama hoy ha ka dhigteen ama roobabka haka celiyeen, u ballanqaadeen inay degdeg ula soo gaadhi doonaan iyagoo la kaashanaya dawladda iyo hay'adaha kaleba.Duqa iyo xubnaha golaha deegaanka ee dhulkaa tegey waxay galabta kusoo laabteen Booraama

Top


Nelson Mandela Oo Xusay Dhalashadiisii 83aad.

Madaxwaynihii hore ee Koonfur Africa, Nelson Mandela, ayaa u dabaaldegay dhalashadiisii sideed iyo shanaad.maalintii doraad.

Diyaargarowga munaasabaddan ayaa todobaadkan oo dhan la waday, waxaana tahniyado ay u soo dirayay hogaamiyayaasha dunida oo qaarkoodna ay munaasabadda ka soo qaybgalayaan.

Halgamaaga ruug-cadaaga ah ee la soo dagaalamay midab-takoorka, Mr Mandela, wuxuu qorshaystay in inta badan maalintaasi uu ku qaato gurigiisa oo ku yaalla magaalada Johannesburg oo uu la joogo xaaskiisa Graca Machel, iyadoo ay soo booqanayaan caruurtiisa, kuwa ay dhaleen iyo kuwa ay sii dhaleen.

Baanbayda ciidamada Badda, ayaa dhalasho wanaagsan ku salaamay aroortii hore.ee maalintaasi.

Top


Kofi Anan Sidee Buu Uga Hadlay Xaaladda Ciraaq?

New York(W.wararka) Xogyaha Guud ee Qaramada Midoowbay, Kofi Annan ayaa sheegay in uu doonayo in si dhakhso ah shacbiga Ciraaq loogu wareejiyo madaxbanaanidooda, si ay uga shaqeystaan mustaqbalkooda.

Mr. Annan aragtidiisan ayaa waxay ku jirtay warbixin la soo saaray oo loogu talo galay in Golaha Amaanka Qaramada Midowbay loo soo bandhigo todobaadka soo socoda.

Dukumintigan ayaa sheegaya in ay waajib tahay in shacabka Ciraaq si cad loogu sheego talaabooyin isdaba jooga ee horseedi kara in la soo afjaro xoog ku heysashada dalka Ciraaq ee xooggaga uu Mareykanku horseedayo.

Afhayeen u hadalay dowladda Mareykanka, Richard Boucher ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in Qaramada Midowbay ay ka siiso arrimaha Ciraaq door wayn, gaar ahaan, haddii dowladdaha kale ay soo jeediyaan in ay qeyb ka qaadanayaan ilaalinta amaanka iyo dib u dhisida Ciraaq.

Dowladda Faransiiska oo hore u sheegtay in ayna gacan ka geysan doonin arrimaha Ciraaq wax walba oo dhaca, ayaa hadda sheetay in ay ka baaraandageyso sidii ay u taageeri laheyd ciidamo ilaaliya nabadda haddii Qaramada Midowbay la siiyo door arrimahaas xudun u noqda.

Top


Tony Blair Oo Fadeexadi Kaga Furantay Duulaankii Ciraaq.

London (W.wararka) Ra'iisal Wasaaraha Britain,Tony Blair ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay sidii ay u maareeyeen siyaasada dowladdiisa ee arrimaha Ciraaq, ka dib markii uu dhintay la tiliyahii dowladda ingiriiska ee xagga hubka.

Ra'iisal Wasaaraha oo booqasho hadda ku jooga dalka Japan, ayaa weydiiyey warbaahinta iyo siyaasiyiinta in ay xushmad muujiyaan iyo in ay ka gaabsadan arrimaha la xiriira dhimashada la taliyaha dowladda, Dr. David Kelly.

Dowladda ayaa waxay amar ku bixisay in lagu sameeyo baadhitaan xagga sharicga ah waxyaabaha sababay dhimashada Dr. Kelly.
Qoyskiisa ayaa laga soo xigtay iyagoo sheegaya, in Dr. Kelly uu culeys badan saarnaa, waxii ka danbeeyey markii su'aalo kulul uu kala kulmay gudi uu baarlamaanku u saaray sida ay dowladdu uga cudurdaaratay dagaalkii lagu qabsaday Ciraaq.

Dr. Kelly waxa uu beeneeyay in uu ahaa qofka ugu weynaa ee laga soo xigtay wararka ay warbaahintu sheegtay ee la xidhiidhay in dowladdu ay wax ka badashay warbixintii ay soo saareen ciidamada sirta ee Britain, si loo buunbuuniyo khatarta hubka Ciraaq.

Top


Kulmiye iyo London.

London, Waxaa magaalada London ee carriga Ingiriiska ka dhacay shirar ay isugu yimaadeen xubno kamid ah taageerayaasha qurbajoogta ee xisbiga KULMIYE oo ka kala yimid waddamada Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka. Kulamadaasi oo iyagu ahaa kuwo ay isku
baranayeen xubnaha Kulmiye ee ku dhaqan North America iyo UK isla markaana loogu gogol xaadhayay shirweyne ay taageerayaasha Kulmiye ee Qurbo joogu yeelan doonaan dhawaan.

Xubnihii iyagu shirarkaa kasoo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Osman A Egal oo ah Gudoomoiyaha Kulmiye ee Gobolka Waqooyi Galbeed, Mohamed Yonis Awale oo ah Gudoomiyaha guddida qurbajoogta Kulmiye ee iyagu E-mail groupka ku xidhiidha, Ayaan Mohamud oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida qurbajoogta Kulmiye ee e-mailka groupka, Mohamed Yaasiin, Abdiqani Saban, Hibaaq Ali, Marian Osman, Lul Ahmed, Hassan Osman, Dr Mohamed Dahir Khayre, Bashe A Omar, Abdilahi Abdi Robleh, Musa A Hersi, Abdi Abdilahi Hassan, Abdi A Janaale, Osman Abokor.

Waxaa xubnahan iyo taageerayaal badan oo iyagu shirkan kasoo qayb galay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan istiraajiyada cusub ee KULMIYE ee doorashadii ka dib. Waxaana laysku waydaarsaday talooyin ku saabsan sidii dibuhabayn loogu samayn lahaa siyaasadd cusub ee KULMIYE, taasoo laysla soo qaaday in loo baahanyahay in wax laga badalo oo la cusboonaysiiyo lana hour-mariyo siyaasadda xisbiga si ururku u noqdo mucaarid xoogan oo saxa khaladaadka dawladda sidoo kalena talo iyo tusaalana isla garab taaga xukuumadda si meel loogasoo wada jeesto danta qaranka.

Waxaa kaloo xubnihii halkaas ka hadlay isla soo qaadeen in xisbigu ka faa'idaysto khaladaadkii iyo daldalooladii kasoo baxay doorashadii u danbaysay.

Waxaana xubnuhu isla garteen inay muhiimtahay sidii loo samayn lahaa dibuhabayn xisbiga si uu u noqdo mid hana qaada oo guntan danta guud si uu fuliyo himilada xisbigu hiigsanaayo oo ah midnimada iyo horumarka Somaliland.

Xubnaha shirka isu yimid waxay soo jiidiyeen talooyin ah in xisbigu aanu sugin shanta sano ee hadda lasii bilaabo olalaha doorashada oo dhici doonta shan sano kadib, una sii diyaar garoobo siduu ugu guulansan lahaa doorashada soo socota si xisbigu codkooda u helo
intii ka codaysay si uu u hirgeliyo barnaamijka siyaasadeed. Isla markaana keena isbedel siyaasadeed oo bedela xukuumadda hadda talada haysa oo ay ku tilmaameen inay dayacday bulshadii iyadoo lagu eedeynayo inaanay kasoo bixin wixii ay ku ballanqaaday markii ay socotay olalaha doorashadu.

Waxaa kaloo xubnihii halkaa ka hadlay tibaaxeen in xukuumaddu ka baaqsatay inay dhisto dawladdii tayalada ahayd ee ku baaqday oo ay dib u magacawday wasiiraddii lagu bartay musuq maasuqa iyo maamul xumada. Waxaana walaac ka muujiyeen dhawr iyo afartan wasiir ee dhawaan madaxweyne Rayaale magacaabay oo u badan dad lasoo tijaabiyey oo aan sumcad fiican ku lahayn bulshada. Waxa ayna tibaaxeen in arrintaasi aanay aanay u cuntamin bulshada reer Somaliland ee ka guuraysa habkii hore ee beelaha una hayaansan habka dimoqraadiga ah ee axsaabta badan, waxaanu sheegay in magacowga wasiiraddan cusubina ay ku tusayso inaan wax isbadal ahi ku iman dhamaan golayaasha dawladda Somaliland oo ay hore u jogeen golohii wakiiladda iyo guurtida oo ku yimid qaab beeleed. Wasiiradan hadda la magacabay oo ah golaha xukuumadda badankoodu waa kuwii hore u joogay ee ku yimid qaab beeleedka. Waxa kale oo la isla gartay in arintani dibu dhac ku tahay hannaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland oo bulshadu sugaysay isbadal la taaban karo. Waxaanu sheegay in hadda dad badan oo shacbi ahi is waydiinayaan sababtii loo qabtay doorashada oo sababtoo ah buu yidhi ma muuqato midhihii kasoo baxay dimoqraadiyaddii curdaynka ahayd ee hadda ka fufaysa Maandeeq.

Gababadii kulamadaas ayaa waxaa la isla meel dhigay dhowr go’aan oo iyagu loo xilsaaray gudo hoosaadyo iyagu kasoo shaqeeya sidii loo hirgalin lahaa.

Cabdi Cabdilaahi Hassan London, United Kingdom.

Top


Muslimiinta Maraykanka Oo Ka Cawday Dhibaatada Dawladdu Ku Hayso.

Sanadkii 2002da waxaa la xaqiijiyey in ay dhaceen lix boqol iyo labo kiis oo ka dhan ah dadka Muslimiinta ah kiisaskaas oo ay warbixintu sheegayso in ay boqolkiiba shan iyo toban kor uga sii kaceen kiisaskii dhacay sanadkii ka sii horeeyey.Qeyta ugu weyn ee cabashooyinkan waxay la xidhiidhaan xagga diinta iyo xagga isirka iyo sinjifaquuq ka dhaca goobaha laga shaqeeyo ee maraykaanka.

Afhayeen u hadlay Golaha Musliniinta ayaa sheegay in si ka badan sanadadii hore in boliiska iyo hay'adaha dowladdu ay bartilmaameed muslimiinta uga dhigtaan goobo ay ka mid yihiin iskuulada, Eeroboodhada iyo goobaha laga shaqeeyo, sababtoo ah iyagoo loo tilmaansan karo diin ahaan iyo jinsi ahaaba.

Afhayeenku waxaa uu intaa ku daray in dadka muslimiinta ah sidan loo ugaadhsado ayaa abuurtay waxa uu ku sheegay in dadka Muslimiinta ah ee Maraykanka ku nool ay dareemaan in xoog lagu heysto.

Warbixintu waxay eedeyneysaa siyaasada dowladda. Waxii ka danbeeyey Septerber 11keedii, wasaarada Cadaalada ayaa soo xidhtay, su'aalona weysiisay boqolaal qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka Carabta iyo dalalka Muslinka.Barnaamijka diiwaangalinta khaaska ah ee looga baahan yahay qofkii aan muwaadin aheyn in wareeysiyo laga qaado marka uu dalbanayo dal ku gal ama Visa ayaa si weyn loo canbaareeyey oo lagu sheegay in ay tahay arrin aan cadaalad ahayn oo awood lagu takrifalayo.

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in danbiyada naceybka ee mulimiinta ka dhanka ah in ay aad u kordheen, waxayna warbixintu intaa ku dareysaa in wadalo badan oo muslin nacayb ah in ay soo jeedinayaan qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha masiixiyiinta xag jirka ah oo ay ka mid yihiin, Franklin Graham, Jerry Falwell iyo Pat Robertson. Golaha Muslimiinta ee Xidhiidhka Mareykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay ururo dhowr ah oo matala danaha muslimiinta ku nool Mareykanka oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa iyo lix milyan.Golahani waxaa uu ku taqasusay la socoshada faquuqida ka dhanka ah dadka Muslimiinta.

Dhanka kale, Hay'ada Mareykanka ah oo ku shaqo leh in dadka ay shaqada u sinaadaan ayaa waxay ku dacweysay shirkada diyaaradaha ee Trans states Airlines eedeymo ay in ay shaqada ay ka eriday nin duuliye ah oo muslin ah todobaadkii ku xigay 11kii September, sababtana shaqada ninkaas looga eryey waxaa lagu sheegay in ay la xidhiidhay arrimo diinmeed.

Top


Ololaha Nabadaynta Hadraawi Oo Gaadhay Kismaanyo

Kismaayo (Haatuf): Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame iyo waftiga la socda ayaa maalintii shalay gaadhay magaalomadaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo iyagoo hore u soo maray dhul aad u badan oo u dhaxeeyaa Muqdisho iyo kismaayo,waxaana loogu soo dhaweeyey si aad u weyn taaasoo ay ka qayb qaateen dadweyne aad u tiro badani.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamad Dadkaasi waxay soo dhaweyntooda ka soo billaabeen tuulada Buulo Guduud oo magaalada Kismaayo u jirta 30km xagga Woqooyi, halkaasoo maamulka isbahaysiga Dooxada Jubba oo maamulka degmada iyo dadweynuhuba ay safnaayeen waddada hareereheeda iyagoo sita boodhadh, caleemo qoyan iyo weliba baabuur ay ku rakiban yihiin sameecado aay ka baxayaan heeso waddani ah oo dadka lagu baraarujinayey.

Wafdiga waxaa lagu soo dhoweeyey hotelka Tawakal, halkaasoo ay khudbado ka akhriyeen masuuliyiinta Dooxada Jubba iyo madaxda wafdigii nabaddoonka ahaa. Colonel Barre Aadan Shire, Barre Hiiraale oo isbahaysiga Dooxada Jubba Guddoomiya ayaa khudbad soo dhoweyn ah u jeediyey wafdiga iyo dadweynihii isu soo baxay, wuxuuna kala hadlay sida isbahaysigiisu ugu heellan yahay xagga nabadda, taasoo ahayd waxa ay wafdiga Xamar ka yimidna u socdeen.

Soo dhoweynta kuma ekayn Barre Hiiraale ee wuxuu sidoo kale ka hadlay shirka hadda kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, kaasoo uu isagu hore uga soo baxay, wuxuuna ka dhawaajiyey erayo si weyn looga sugaayey gaar ahaana mowqifkiisa ku aaddan shirkaasi.

Kismaayo oo in muddo ahba ahayd meel ay ku hardamaan gacan ku haynteeda xoogag fara badan ayaa laagu soo waramayaa hadda in aanan xitaa laga garan karin diiftii dagaalladaasi, waxaana si weyn u camiran suuqyadeeda iyo hareeraha waddooyinka waaweyn oo uu ganacsi xoog leh ka socdo.

waftiga uu hogaaminayo Hadraawi waxa lagu wadaa inay Kismaayo ugaa sii gudbaan meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Top


Ku: Wasiirka warshadeynta iyo baayacmushtariga ee Somaliland, Mudane Maxamed Xaashi Cilmi.

Aniga oo ah "Maxmed Aw Geelle Dhawal" waxaan ka mid ahaa dadka mu'ayidiinta ah. Markii aad ahayd Mayerka magaalada Hargeysa, iyo wixii aad ka qabatay ayaan kugu ayidayey. Waxaanad ahayd tilmaan wanaagsan oo lagu daydo sidii aad wax u qabanaysay. Waxaad tustay dadka reer Somaliland in waddanka horumarkiisu ay ku jirto gacmaheenna. Taas oo marka la badbaadiyo shilinkaa dadweynaha laga qaadayo ee cashuurta ah, in wax walba lagu qaban karo. In badan ayaan ku sugaayey aniga iyo dadweynaha reer Somaliland ee jecel horumarka iyo wax qabashada ay daacadnimadu ku jirto.

Haddii ilaahay uu qaddaray in laba wasaaradood oo labadii waddanka dhisayey ah, gacanta laguu geliyay, waxaan kugula dardaarmayaa in ay dhamaan gobollada dalka oo dhan ay ka muuqato waxqabashadaadii wanaagsanayd, sida ay uga muuqato magaalada Hargeysa wixii aad ka qabatay. Ilaahayna waxaan ka baryayaa in ay wasaaradaha kalena ay kugu daydaan sida daacadda iyo wadaninimada ah ee aad wax u qabanayso, horena aad ugu qabatay.

Marlabaad iga guddoon hambalyo.

Maxamad Aw Geelle Dhawal.

Seattle, Washington

Top


Sidee Loo Arkaa Hadraawi? Cumar Nimcaale

Hargeysa (Haatuf): Cumar Maxamuud Nimcaale oo mar ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland ayaa qoraal uu shalay nasoo gaadhsiiyey kaga hadlay socdaalka abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku tagay Soomaaliya, wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidan:

“11 sanadood ayey shacbiga Somaliland la xasuuqayey oo ay ciidamadii Soomaaliya lagu fasaxay, inay dhacaan maalkooda, isla markaana kumanyaal qof dhegta dhiiga loo daray, iyada oo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland-na lagu burburiyey hub culus iyo diyaarado.
Waxaana la xaqiijiyey inay boqolaal qof ay qabteen xoogagii Soomaaliya nolol ku aaseen, qaar kalena intay batrool ku shubaan kabriid ku qabtaan, halka ay qaar kalena intay isku xidh-xidhaan rasaasta ku furayeen.

Cadaawadaas ay kula kacayeen dadka waxay ahayd mid aan weli aduunka soo marin, lagama sheekayn karo, oo waxa laga qori doonaa buugaag waxyaabihii ay u geysteen ummaddan oo raaciyad u ahayd.

Umadda reer Somaliland waxay qalbiga ka ogyihiin in cadawga koowaad yahay dadka reer koonfureed ahi, taas oo ay daliil u tahay 1991-kii markii ciidamadii reer Soomaaliya laga xoreeyey Somaliland 12-kaa sano ee aynu madax banaanida la soo noqonay waxay geed dheer iyo mid gaaban u koreen inaan adduun weynuhu ictiraafin, waxa nasiib wanaag ah oo ummadaha adduunku ay inagala mid yihiin inaynu mawqif adag iska taagnay, cadawgeenana, dhib kastana ugu dul qaadano, ilaa inta aynu helayno ictiraaf, kaas oo aan filayo inuu imanayo dhawaan haddii alle yidhaa.

Mawqifka dawladda, golayaasha iyo shacbiweynuhu waa mid cad, qof alla qofka u dhashay Somaliland ee ka horyimaada gooni isku taaga iyo danaha aasaasiga ee ummadda iyo dalka Somaliland isku hortaaga ficilka, hadalka iyo ka qayb gelis shir kasta oo wax lagu yeelayo qaddiyadda iyo gooni isku taaga Somaliland waxa loo aqoonsaday inuu yahay khaa’in wadan, adduunka oo dhami wuxuu leeyahay sharci qabta qofka ku kaca dambigaa oo ugu yaraan lagu xukumo 25 sanadood oo xadhig ah, dalalka qaarna waabay toogtaan.

Waxa jiray rag shirar Soomaaliya lahayd ka qayb galay iyo qaar aaminsanaa federal, raggaasi oo aan badnayn waxay ahaayeen siyaasiyiin iyo garaado, kuwaas oo qaarkood xabsiga loo taxaabay ka dib markii la xukumay, inkasta oo la cafiyey markii dambe, qaarna la mastaafuriyey, haddaba waxa jira rag aan sidaa u badnayn oo u haysta gooni isku taaga Somaliland inay siday doonaan ugu ciyaari karaan, sida kubbadda, ummaddan-se ay u tahay nolol iyo dhimasho.

Waxaan u soo noqonayaa Abwaanka Hadraawi, sidee u arkaa shacbiga reer Somaliland, waa su’aal u furan shacbiga reer Somaliland, aniguse waxaan qabaa, cadawgaaga saaxiibkii waa cadawgaaga, cadawgaagu qofka u jecelyahayna waa nacabkaa.”

Top


Xaalka Ganacsatadu Ma Caduur Dhawdhawdu Uma Dhaadhacsanaa? Maxamed Cabdi Curad

Mar kasta oo wax laga beddelayo horumarka dhaqan-dhaqaale ee dawladaha dunida waxa soo if-baxa kooxo ama shakhsiyaad iyagu ka qaybqaata dhib iyo dheefba wixii tamartooda ah. Awoodaha noocaas oo kale ahi waxay inta badan ka yimaadaan dhinaca bulshada, gaar ahaana dadka hantida leh oo iyagu siyaalo kal duwan uga qaybqaata hab-dhaqanka noocaas ah, haddiiba ay tahay kobcinta iyo tayaynta bilicda muuqaal ee mid ka mid ah magaalooyinka wadamadooda, iyagoo hantidooda isticmaalayana ay ka dhistaan dhismayaal kala duwan oo adeegyo badana lagu fuliyo sida hudheelo waaweyn oo isugu jira qaar hurdo iyo kuwo cuntaba. Waxa kaloo ay ka fuliyaan dallkooda wershado yar-yar oo dalka dhaqaale kasoo galo, waaba haddii ay kala kulmaan hab-dhaqan an caadi ahayn madaxda ku sugan goobaha canshuur-bixinta siiba kastamada ku yaal meelaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan sida kuwa Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha oo iyaga lagu tilmaami karo ilaha keliya ee biyaha soo gaadhsiiya dhuumaha saadku u soo maro khasnadaha dawladaha, marka laga reebo waxoogaaga yar ee kasoo xerooda canshuuraha macaashal-macaashka, wada-marista iyo kuwa Dawladaha Hoose.

Haddaba, waxa ayaan-darro ah iyadoo uu dalkeenu yahay wadan aan bulshada caalamka ka haysan aqoonsi caalami ah, burbur dhaqaale iyo mid siyaasadeedna uu soo ragaadiyay, isla markaana aan lahayn ilo dhaqaale oo joogto ah tan kaliya ee ay ku dhaqdhaqaaqi jirtayna ay ahaayeen xoolaha nool oo muddo dheer xayirnaa. Waxa beryahan dambe soo if-baxay qaylo-dhaan kasoo yeedhay Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay xaga dhaqaalaha, gaar ahaana Wasiirka Maaliyaddu waxa uu tilmaamay dhibaato ay kala kulmeen qaar ka mid ah ganacsatada oo sida uu sheegay ka dhega-adaygay bixinta canshuuraha, taasina ay sababto in lala baxsado canshuurtii khasnadda Dawladda ku dhici lahayd.

Arrimahaas oo haddii ay sii socdaan sababi kara dib-udhac dhaqaale oo ku yimaada bulshada. Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay inay ganacsatadu iskaashi la yeelato horumarka dalka iyagoo iska dhawraya in loo arko kuwo ku xad-gudbaya dhaqaalaha dalka xaaladooduna aanay la mid noqon “Caduur dhaw-dhawdu uma dhaadhacsana.”

Top


Horta Dalkaaga Daryeel.

Waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii ku barbaartay suugaanta iyo tilmaamaha Hadraawi tan iyo todobatanadii qarnigii la soo dhaafey. Waxaan aad u xiiseyn jirey walina u xiiseeyaa indheer-garadnimada qotada dheer ee uu Rabbi ku manaystey abwaanka iyo halgankii aan kala go'a laheyn ee uu ku la soo jihaadey xukuumadii faqashta ee uu kaligii taliyihii Afweyne uu hogaminayey. Waxa la wada garanayaa in uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee fahmey waxashnimada xukuumadaasi welwaaleysay. Waxanan rumeysnahey in dad badani sidaa ila qabaan.Waxa markhaati ma doon ah in uu Hadraawi taariikhda wadanka Somaliland, baal dahab ah kaga jiro. Waxaan xataa soo gaadhey in uu Hadraawi xaqiiqdii uu u qalmo inla gudoonsiiyo abaalgudka caanka ah ee NOBLE PEACE PRIZE.

Haddaba tiiyoo sidaa ay tahey ayaa waxaan maqley in Hadraawi oo ka tirsan urur ka shaqeeya nabadeynta uu socdaal ku tagayo gobolo ka mid ah Somalia. Inkasta oo aanan xogogaal u aheyn ururka iyo sida uu ku abuurmeyba waxa isweydiin leh Hadraawi miyuu ka waayey Somaliland hawl faa’iido dadka u leh oo uu ka qabto? Sidaa markaan leeyahey yaan loo fasiran in aanan ogoleyn in la wadaago aqoonta iyo khibradda abwaanka, laakiin miyaaney aheyn horta xeradaada adkee deetana ta ku xigta u talow? Hadraawi laftiisa ayaa mar hore wax looga weydiiyey arrintaa wuxuu ku jawaabay sidatan: "xilka iga saaran reerkeyga haddii aan kasoo baxo maxaa iga maanacaya in aan u tallaabo jaarkeyga" Hadaba miyuu kasoo baxay xilkii ka saarnaa reerkiisa? Jawaabtu waxay aniga ilatahay wali waa maya.Waxa hubaal ah in Somaliland ay wali u baahantahey Hadraawi iyo qayrkiiba in ay sii wadaan halganka oo aaney u eekaanin niman hawshu intaasuun ay ka ahayd.Waxaan u arkaa waxqabadka Hadraawi in uu ka hooseeyo kii looga bartey.

Allaa Mahad Leh. Ali Aw Hussein.

Top


Gaashaan Oo 50-29 Dhibcood Kaga Badisay Kooxda Haatuf.

A/fataax M. Caydiid.

Hargeysa (Haatuf): Ciyaar aad u xiiso badan oo ah kubbadda kolayga ayaa shalay ka dhacday garoonka kubbadda Kolayga ee Tima-cade, ciyaartaas oo dhexmartay labada kooxood Gaashaan (Ciidanka qaranka) iyo kooxda Haatuf.

Ciyaartaas waxay guushu ku raacday kooxda Gaashaan oo ku badisay 50 dhibcood halka ay kooxda Haatufna ka heshay 29 dhibcood.

Ciyaartan oo loogu tartamayo koob loo dhigay Marxuum Faysal C/Raxmaan (Faysal dheere), waxa soo qabtay ururka SOPYO, waxa ku wada ciyaaraya lix kooxood oo heerka kowaad iyo heerka labaad iskugu jira.

Sidoo kale waxa doraad ay ciyaar xiiso badani ku dhexmartay garoonkaa labada kooxood ee Sacaadadiin iyo Dawladda Hoose, ciyaartaas oo ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysa magaca Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo keensatay 43 dhibcood, halka ay kooxda Sacaadadadiina ka heshay 32 dhibcood.

Top