Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 380 July 22, 2003

Wakiilada: Wasiiro Lagu Ansixiyay Aqlabiyad Sare, Wasiiro Lala Hadhay, Wasiiro Nidar Loo Jebiyay Iyo Wasiiro Madasha Ku Dhici Waayay.

“Cadaalad-Darro Kuma Qancayo, Anigaana Helay Kursiga Hormood Ee Burco,” Xasan Aadan Dubbe.

Waxa Iska Jira Caacayado La Leeyahay Golaha Deegaanku Lacago Ayuu Qaataa, Laakiin …” Waraysi- Maayorka Burco.

BBC-da ayaa xaqiijisey in Dr Kelly uu ahaa ninkii ay ka heleen xogtii ku jirtey war dowladda Britain ku eedeenaya in ay buunbuunisey halistii ka imaneysey waddanka Ciraaq.

Askar Maraykan Ah Oo Gaadmo Lagu Laayey Waqooyiga Ciraaq.

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Mafreshyada Qaadka, A. Y. Osman (Gabalaax).

Maad Ku Cibro Qaadan.

Ha Iman La Haydaa, Q: 2aad.

Dhimashadii Dr. Kelly Iyo Hawlgalka Baadhistaanka.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Yaa Maanta Cid u Ah Carruurteena?

Shaqsiyadda Hadraawi iyo Socdaalkii Nabadda.

Maxaa La Gudboon Golaha Baarlamaanka?

Hadraawi Waxa U Shaveeco Qaadaysa Taariikhda.

Dawladi Jirimayso Haddii, Dawlada Cashuurta Urursan!


Wakiilada: Wasiiro Lagu Ansixiyay Aqlabiyad Sare, Wasiiro Lala Hadhay, Wasiiro Nidar Loo Jebiyay Iyo Wasiiro Madasha Ku Dhici Waayay.

Wakiilada: Wasiiro Lagu Ansixiyay Aqlabiyad Sare, Wasiiro Lala Hadhay, Wasiiro Nidar Loo Jebiyay Iyo Wasiiro Madasha Ku Dhici Waayay

Hargeysa (Haatuf): Hormadii saddexaad ee golaha wasiiradda oo ka kooban 12 xubnood ayaa shalay hortagay fadhiga golaha wakiiladda si loo ansixiyo, kuwaas oo ay mudanayaasha golaha wakiiladd ogolaadeen 10 ka mid ah, halka ay laba ka mid ahna diideen, ansixintooda, ka dib markii ay mid mid u ansixiyeen, iyada oo ay madasha fadhiyeen 72 Mudane.

12-ka xubnood ee hortagay golaha wakiiladda 7-ba ka mid ahi waxay ahaayeen wasiiro, halka ay 4 xubnoodna ahayd wasiiru dawlayaal iyo hal wasiir ku xigeen, waxayna kala ahaayeen todobada wasiir, wasiiirka maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, oo ay ogolaadeen 70 mudane iyo hal mudane oo diiday, sidoo kale wasiirka duulista hawada Cismaan Xasan mire waxa ogolaaday 67 Mudane, shan mudanana way ka aamuseen, wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax oo ka mid ahaa ragga aqlabiyadda ugu saraysa ku meel maray waxa ogolaaday 70 Mudane iyo hal mudane oo ka aamusay, sidoo kale wasiirka kaluumaysiga Maxamed Siciid Gees oo isna aqlabiyad sare lagu ansixiyey waxa ogolaaday 70 Mudane iyo hal mudane oo ka aamusay, waxa isna aqlabiyad sare lagu ansixiyey Wasiirka dib u dejinta C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal), oo ku ansaxay 71 cod, sidoo kale wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Maxamuud Suufi waxa isna ogolaaday 72 mudane, iyada oo ay C/laahi Dirawal iyo Sh. Maxamuud ahaayeen labada nin ee codadka ugu badan lagu ogolaaday, taas oo uu markii ay hawsha codeyntu meel dhexe maraysay hal mudane ku soo biirey tiradii hore ee mudanayaasha.

Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed waxa isna ogolaaday 67 mudane, iyo shan mudane oo ka aamusay.

Waxa kale oo xubnaha shalay madasha tagay ka mid ahaa afar wasiiru dawle oo kala ah Yaasiin Maxamuud Xiir oo ah wasiiru dawlaha dib u dejinta waxa ogolaaday 63 mudane, waxaana ka aamusay 8 mudane, sidoo kale wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Maxamed Cali Yuusuf (Maydhax), oo ka mid ahaa ragga golaha hortagay waxa ogolaaday 62 mudane, iyo 9 mudane oo ka aamusay.

Labada xubnood ee lala hadhay oo ah laba wasiiru dawle waxay kala ahaayeen wasiiru dawlaha hawlaha guud Aadan Maxamed Diiriye ( Aadan Ruush) iyo wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Aadan Maxamed Mire (Ina Waqaf), taas oo ay Aadan Ruush ogolaadeen 28 Mudane, halka ay diideen 34 mudane, iyo 9 mudane oo ka aamusay, sidoo kale Aadan Waqaf waxa ogolaaday 26 mudane, halka ay diideen 36 mudane iyo 9 mudane oo ka aamusay.

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Maxamed Cabdi Dheer oo isna ka mid ahaa ragga golaha hortagay ayaa inkasta oo la meel-mariyey ansixintiisa, haddana waxa codeyntiisii ka dhashay buuq badan, ka dib markii ay markii u horeysay ogolaadeen 33 Mudane, isla markaana ay diideen 33 Mudane iyo lix ka aamusay, taas oo ay isle’ekaadeen tirada ogolaatay iyo tirada diiday, hase yeeshee gudoomiyaha golaha wakiiladda, Mudane Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo fadhiga gudoominayey, ayaa sheegay in marka ay isle’kadaan codadka ogolaanshaha iyo diidmadu uu gudoomiye ahaan xaq u leeyahay inuu codeeyo, si uu kala saaro, labada tiro ee isle ‘eeg, sidaa darteed wuu codeeyey, wuxuuna raacay dhinaca ogolaanshaha, taas oo Maxamed Cabdi Dheere dirqi kaga badbaadisay in lala hadho, laakiin codeyntii Maxamed Cabdi dheere waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan badan, oo sababay in fadhigu xidhmo, ka dib markii ay mudanayaashu si weyn isugu maandhaafeen codeyntiisa, taas oo ay mudanayaashii diidanaa ku andacoodeen in tirada codadka la khalday, sidaa darteed ay dalbanayaan in lagu celiyo, balse waxa taa gaashaanka ku dhuftay shir-gudoonka golaha wakiiladda, taasina waxay keentay in madashii buuq la isla oogsado, iyada oo dhinaca kalena la is-dhaafsaday weedho kul-kulul oo karoox leh, ka dib markii ay halkaa maraysay ayuu gudoomiyuhu shirka xidhay sidaana lagu kala dareeray, laakiin arrintu si kasta ha ahaatee, waxa la odhan karaa Maxamed Cabdi Dheere, inay xaadhato waxa kaga hagoogtay gudoomiye Qaybe oo codkiisa ugu hiiliyey ka dib markii uu arkay inuu jarka ka laa-laado.
Marka la eego, xubno dhawr ah oo ka mid ah ragga shalay la ansixiyey ayaa maalmihii u dambeeyey la hadal hayey, kuwaas oo ay dadka qaar saadaalinayeen in lala hadho, ama ay dirqi ku baxsadaan, laakiin xubnaha la hadal hayey, waxayba ka mid noqdeen ragga codadka ugu sareeya ku meel maray. Sidoo kale mudanayaasha golaha wakiiladdu waxay maalmihii u dambeeyey ku taamayeen, inaanay ogolaan doonin, xubnaha wasiir dawlayaasha ah, oo ay dhamaantood horjoogsanayaan, laakiin taasi may dhicin, waxaana la aaminsanyahay inay dhaartii caynkaa ahayd u jabiyeen nin hore uga mid ahaan jiray golaha wakiiladda, laakiin ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Rayaale wasiiru dawlayaasha ka dhigay, ninkaas oo ah wasiiru dawlaha dib u dejinta Yaasiin Maxamuud Xiir, waxa uu noqday ninka ay saaxiibaddiisii wakiiladu u jebiyeen dhaartii ay u dhaaranayeen nimanka wasiir dawlayaasha ah.

Sida ay caadadu tahay xubin kasta oo golaha wasiiradda ka mid ah marka ay hortimaado golaha wakiiladda inta aan loo codeyn waxa ugu horeyn madasha laga akhriyaa CV- giisa, sidaa darteed dhamaan xubnaha golaha wasiiradda ee ilaa hadda horyimid fadhiga golaha wakiiladda dhamaantood waxa madasha laga akhriyey CV-yadoodii, taasina waa shardi ka mid ah waxyaabaha kolayba la odhan karo waa loo eegay ogolaanshaha ama diidmada xubnahan, laakiin haddana arrintu sidaa maahayn, waayo dad badan oo ka mid ah dadweynaha madasha yimid si ay u daawadaan ama u dhagaystaan hawsha meesha ka socota ayaa fahmi kari waayey qaabka ay mudanayaashu wax ku diidayaan ama ku ogolaanayaan, taas oo ay dadku is-weydiinayeen maxaa loo eegayaa wasiirka la ansixinayo ama la diidayo iyo su’aalo kale, hase yeeshee marka aad eegto dabeecadda ay wax u ansixinayeen mudanayaasha golaha wakiiladdu waxay u ekayd tashi ay hore u soo gaadheen, taas oo ay u kala calaamadsanyihiin ragga ay la hadhayaan iyo ragga ay sii daynayaan, balse dadka aan arrimaha golaha wakiiladda xog-ogaalka u ahayni way ku adagtahay inuu fahmo qaabka ama shuruudaha ay mudanayaashu ku saleeyeen ogolaanshahooda ama diidmadooda.

Dhinaca kale rag wasiiro ah oo ka mid ahaa xubnaha shalay madasha laga sugayey ayaan ka soo xaadirin, kuwaas oo aan la ogeyn sababta ay u maqnaadeen, waxaase la aaminsanyahay inay ka firxadeen ka dib markii ay ogaadeen inay meesha guul darro u taal, waayo waxa la sheegay inay ka mid yihiin xubnaha ay nimanka wakiiladda ahi aad ugu dhaaranayaan ee ay leeyihiin, haddii nafta eebe nagu simo nama dhaafayaan.
Ragga caynkaas ahna waxa ka mid ah, wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirka ciyaaraha Maxamuud Siciid iyo Wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni, laakiin ragga shalay madasha laga filayey ee ka maqnaaday lama hubo inay cabsi daraadeed madasha uga maageen iyo inkale, balse waxa jirtay xan siyaasadeed la isla dhex marayey, taas oo lalahaa waxay imaatinkooda dib ugu dhigeen inay ka hawl galaan mudanayaasha, si ay uga helaan codad ay ku meel maraan, iyaga oo siyaalo kala duduwan arrinta u kaambayn garaynaya.

Top


“Cadaalad-Darro Kuma Qancayo, Anigaana Helay Kursiga Hormood Ee Burco,” Xasan Aadan Dubbe.

Aniga oo ah Xasan Aadan Dubbe, waxaan ahaa gudoomiyihii ururkii HORMOOD ee Burco, isla markaana waxaan ahaa xubinta kaliya ee ururkii HORMOOD ka helay golaha deegaanka Burco, sida ku cad guddiga doorashooyinka Burco, laakiin markii ay dhamaadeen doorashooyinkii golaha deegaanku, ee golihii deegaanku xilka la wareegay ayuu ninka la yidhaahdo C/Qaadir C/laahi Maxamed ku andacooday inuu isagu ahaa musharaxii xisbiga HORMOOD, ka dibna dacwad buu bilaabay, dacwadaas oo meelo badan martay, sida guddiga doorashooyinka qaranka oo cadeeyey inaan anigu ahay ninka helay kursiga HORMOOD, balse markii aan damcay inaan hawshaydii bilaabo ayaa la iiga yeedhay maxkamadda gobolka Togdheer, taas oo ay maxkamadda gobolka Togdheer iska indha tirtay cadaymihii guddiga doorashooyinka ee heer degmo, heer gobol iyo heer qaran-ba, waxayna soo saartay xukun sheegaya in C/Qaadir C/laahi yahay ninka helay kursiga HORMOOD ee Burco, balse waxaan xukunkaa rafcaan uga soo qaatay maxkamadda sare, markay taariikhdu ahayd 5/5/03, nasiib darrose maxkamadda sare way I duudsiday waxayna soo saartay xukun cadaalad darro, ah taas oo ay 15-kii bishan sheegtay inay ayiday xukunkii maxkamadda gobolka Togdheer, ee ahaa inuu C/Qaadir kursiga leeyahay, waxaanse leeyahay waxa dhacay xukun cadaalad darro ah, isla markaana Burco way taqaan ninkay dooratay, sidaa darteed, waxaan maamulka degmada Burco iyo gobolkaba leeyahay waa inay ka digtoonaadaan xukunkaa beenta iyo cadaalad darrada ah, maxkamadaha waxaan leeyahay waxaad dumiseen sharcigii dalka u yiil iyo cadaaladdii, waxaanad tihiin awood cadaalad darro ah oo aan cidina xukumin, saaxiibkayna waxaan leeyahay waxan jeebkaagaad ku soo heshay, laakiin xukunkaa caddaalad darrada ahi maaha mid aan qaadanayo kuna qancayo, anigoo aaminsan inaan ahay xubinta sharciga ah ee leh ama ku guulaysatay kursiga uu ururkii HORMOOD ka helay degmada taasna waxa cadaynaya documents hoos ku qoran, waxaana ka garniqi doonta ummadda reer Somaliland.

Top


Waxa Iska Jira Caacayado La Leeyahay Golaha Deegaanku Lacago Ayuu Qaataa, Laakiin …” Waraysi- Maayorka Burco.

Burco (Haatuf): “Dakhliga dawladda hoose waxaanu guru nimid milyan iyo badh, waxaanuna gaadhsiinay 11-12 Milyan” sidaa waxa yidhi maayarka magaalada Burco oo ka waramaya xaaladaha maamul, adeeg, nabadgelyo iyo hawlaha golaha deegaanka Burco, iyada oo waraysi dheer oo dhinacyo badan leh uu la yeeshay A. Ducaale oo dhawaan booqday magaalada Burco, taas oo uu maayarkani jawaabo ka bixiyey su ‘aalo laga weydiiyey arrimaha maamulkiisa iyo waxyaalaha ka jira magaaladiisa, waraysigaasina wuxuu dhacay sidan.

S: Warbixin kooban iga sii magaalada Burco?

J: Nabadgelyada magaaladu aad iyo aad bay u wanaagsantahay, taasna waxa u markhaatiya maalgashiga balaadhan ee ay dadku ku samaysanayaan, markaa maanta ma jiraan wax dhibaato ah oo ka jira magaalada Burco, ta kale waxa ugu badan ee la isku dili jiray wuxu ahaa dhulka danta guud, taasna maamul ahaan iyo gole deegaan ahaan waanu xakamaynay, taa markii aanu xakamaynayna rabshadii way yaraatay.

S: Dhinaca nabadgelyada maxaad odhan kartaa baa ugu daran oo nala soo kulma?

J: Horta waxa ugu daran ee nabadgelyada dhaawici jiray waxa uu ahaa dhulka, taasna waanu xakamaynay, laakiin dhacdooyinka kale ee dhinaca nabadgelyada na soo maray waxa ka mid ahaa khamriga oo magaalada berri dhexe aad u soo galay, taas oo ay inamada sakhraama rasaas iska ridi jireen, rasaastaana waxay wax ku yeeli jireen qof shicib ah ama booliskaba arrintaana haddii aanu golaha deegaanka nahay, iyo haddii ay guddiga nabadgelyada gobolka tahayba waxaanu ka gaadhnay taas oo aanu ku qaadnay dagaal, meelo badan oo khamriga lagu iibiyana waanu duminay, dadkiina qaarna waanu qabqabanay, qaarna talaabooyin kale ayaanu ka qaadnay dabadeedna arrintaa wax weynbaa iska bedelay oo hadda wey yaraatay dhibaatadii khamrigu.

S: Muddadii aad xilka haysay waa maxay duruufaha ugu adag ee uu maamulkaagu la kulmay?

J: markii aan anagu meesha nimid, anaga oo xilka haynay shan bilood iyo maalmo, waxaanu nimid meel aasan oo uu gaadiidkeedu fadhiyo, shaqaaluhuna ay 12 bilood oo mushahar ah leeyihiin, dhaqaalaha meesha ka soo baxaana uu maalintii yahay milyan iyo badh iyo waxyaalo badan oo dhibaatooyin maamul ah, dabadeedna golahayagii deegaanku waxaanu markii ugu horeysay go’aansay inaanu si talo wadaag ah hawsha u galno, isla markaana aanu hawsha koowaad ka dhigano, ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada, iyo nadaafadda magaalada, ta labaadna waxaanu go’aansanay inay hawshayada labaad noqoto sidii aanu shaqaalaha waxooda u siin lahayn, iyo daryeelka gaadiidka Dawladda hoose ee burco, taas darteed, tii nadaafadda iyo adeega magaaladda markiiba waanu ku bilawnay oo olole ayaanu ku qaadnay ilaa haddana meel wanaagsan bay noo maraysaa, sidoo kale shaqaalihii dayntoodii waanu siinay, iyada oo shaqaalaha aanu meesha ugu nimid tiradoodu ahayd laba boqol iyo dhawr iyo labaatan, oo deyn u leh, 700-800 bilyan sl sh/= deyntaasna bishii June mooyaane wixii kale waanu iska dhamaynay, waxaanuna bishan wixii ka bilaabma siin doonaa mushaharooyinkoodii ilaa February, ka soo bilaabmay, sidoo kale gaadiidka aanu meesha ugu nimid, waxay tiradiisu ahayd 30 baabuur, afar qudha ayaa ka soconayey, laakiin maanta ilaa 18 baabuur baanu kicinay oo shaqaynaya, qaar kalena dhakhso ayaanu u kicinaynaa.

Dhinaca dhaqaalaha dakhliga Dawladda hoose waxaanu ugu milyan iyo badh iyo waxaan dhaamin maalintii, laakiin waxaanu la soo kacaa kufnaba maanta waxaanu marinaynaa inaanu gaadhsiino 11 milyan ilaa 12 milyan maalintii. Laakiin haddii aanu nahay golaha deegaanka dacaayado ayaa iska jira, oo ay dadka qaar leeyihiin golaha deegaanku lacago ayuu iska gurtaa, balse ilaa hadda, waxaanu ku shaqaynaa iska wax u qabso, mana jirto wax mushahar iyo lacag kale oo aanu meesha ka qaadanaa, waxaananu iska dhaarsanay sidii aanu wadankayaga wax ugu qaban lahayn.
Waxa kale oo aanu furnay ilaa dhawr iyo sodon waddo oo aan awal baabuur iyo dad toona mari jirin.

La soco cadadka dambe qayb kale oo waraysigan ka mid ah oo aad u xiiso badan.

Top


BBC-da ayaa xaqiijisey in Dr Kelly uu ahaa ninkii ay ka heleen xogtii ku jirtey war dowladda Britain ku eedeenaya in ay buunbuunisey halistii ka imaneysey waddanka Ciraaq.

Tony Blair Oo Booqasho Ku Tegay China.

Bijing ( W.wararka): Ra'iisal Wasaaraha Britain, Tony Blair ayaa magaalada Beijing wadahadaladiisii ugu horeysey kula leh hogaanka cusub ee China.

Blair iyo hogaanka China waxa ay mudnaanta koowaad siinayaan walaaca caalamku ka muujiyey barnaamijka hubka ee Korea-da Woqooyi.
Mr Blair waxa uu sheegey in ay tahay in arimaha ku saabsan hubka Korea-da woqooyi si taxadar gaar ah leh lagu maareeyo.

Saraakiil ka tirsan dowladda Korea-da Koonfureed ayaa sheegey in ay filayaan in si degdeg leh guul hor leh looga gaadhi doono sidii Korea-da Woqooyi loogu soo celin lahaa miiska wadahadalka.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda ee Rusia, Alexandar Lusokov, ayaa sheegey in Korea-da Woqooyi oo miiska wadahadalada dhakhso ugu soo laabata oo kaliya looga bixi karo xiisadda haatan taagan.

Wariyayaasha ka soo waramaya magaalada Seoul ayaa sheegaya inuu jiro walaac ka taagan magaalada Washington iyo meelo kaleba oo ku saabsan in uu kordhayo is-mariwaaga ka dhaxeeya waddanka shuuciga ee Korea-da Woqooyi iyo Mareykanka oo haatan galay marxalad cusub.

Top


Askar Maraykan Ah Oo Gaadmo Lagu Laayey Waqooyiga Ciraaq.

Baqdaad (W.wararka)Afhayeen u hadlay ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in labada ka mid ciidamadooda la dilay, seddex kalena la dhaawacay maalintii Axadii, ka dib markii lagu weeraray meel u dhow magaalada Mosil ee Waqooyiga Ciraaq.

waxaa kale oo uu afhayeenku sheegay in ciidamada seddexda ah ee la dhaawacay ay ka tirsanaayeen guutada 101.

Kolonyadii ay ciidamadaasi wateen ayaa waxaa lagu duqeeyey hobiyeyaal iyo hub kale. Cisbitaal milatari ayaa la sheegaya in ciidamadaasi la geeyay halkaas oo ay labo ku dhimatay, taas oo ka dhigaysa tirada ciidamda Marekanka ah ee lagu dilay Ciraaq 34 tan iyo markii madaxweymaha Mareykanku sheegay in dagaalkii Ciraaq uu dhamaaday bilowgii bishii May.

Wareyeyaashuna waxay sheegayaan in weerarada joogta ah ee lagu qaado ciidamada Mareykanka in ay baryan danbeba sii kordhaysay, iyadoo la sheegayo in lix askari la dilay lixdii maalmood ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee, waxaa la sheegayaa in inta badan ciidamada Mareykanku in ayna weeraro kala kulmin Waqooyiga Ciraaq, hase ahaatee meelaha ay Mareykanku weerarada kala kulmaan ay yihiin waqooyiga iyo galbeedka Magaalada Baqdaad ee lagu magacaabo seddex geesoodka suniga, oo ay wali ku sugan yihiin taageerayaasha Saddaam Xusseen.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan ruugga iyio ilaaq buurka. Akhyaartayada Adimada yaryarow, waxaynu soo gaadhnay amintii warka aan idinku gadh-qaban jiray, maantana waxaa idinku dal-dali doona weriye Mr. Wargamuur Giire-maraan:

Isagii oo af-Gamuuran.

Golaha Wasiirada Shankaroonland ayaa kuyuu u galay guriga Golaha Kordhiyayaasha Qaranka, si wasiiradu Xildhibaanada ansixinta uga shaxaadaan, kaas oo subaxdii shalay Raadyow Ma Qaloocshe arkay dersin wasiiro ah oo golaha dhexdiisa ka dawarsanaya cod iyo caashaqba, si ansixinta loogu sadaqadaysto, halkaas oo fara-dheerayaasha ansixinta iibsadaa ay wasiirada farta ku dhuuqeen. Foodkaas oo ficil iyo faataa-dhug badani ka dhacday, kadib markii uu bilowday dagaal laysu adeegsaday hubka diidmada daran-dooriga u dhacda iyo aqbalaada halista ah. Intaa waxa dheeraa aamusnaanta doqonta ah.

Dagaalkaas oo ay ku kala safnaayeen Kordhiyayaasha diidmadu ka dhacdo iyo kuwa doonistu ka dhacdo, waxaanu hubkaasi ku dhacay wasiirada tayada tuurta ku sita ee ansixinta u gaajooday. Dagaalkaas oo aan cida ku dhimatay la sheegin, balse waxa la sheegay in afar wasiir Af-gambi loogu tuuray oo diidmadu digada ka dhigtay, qaar kalena sadaqad ku baxsadeen, kadib markii tiradu simantay sidii KULMIYE iyo UDUB, kaas oo gudoonshu codkiisa ku caynaaniyay.

Ansixintani waxxay ku soo beegantay xilli Kordhiyayaasha fartu cun-cunayso oo indhawaanlahanba ikhtiyaar laga iibsan, taas oo ay u sii amaah qaateen sida laga soo xigtay habar garaabada iibisa oo tidhi: “Waxay igu yidhaahdeen mooshinkaas iman doona, ansixintaan geli doono, wasiirkaan codka siiyo, caantaynkuu bixin doono ayaanu adna wax kaa siin doonaa.”

Dhinaca kale, Wasiiradan oo la sheegay in ay cabsi la casaadeen, kuwaas oo qaarkood ku ducaysanayeen; “Illaahiyo Sheekh Cigaalow na caynaani.” Kuwa kalena ayaa lagu soo waramay in Islaamahoodu ka daba lahaayeen “Udubka cuskada oo Illaahay barya in laydin ansixiyo.”

Wasiiradan oo lagu soo waramay in mid waliba xarfadiisa isticmaalay oo xoog iyo xoolaba Xildhibaanada faraha kaga faasaxanayay, taas oo Xildhibaanada fara-maalka yaqaanaa farba gaar u iibiyay, inkasta oo aan la sheegin qiimaha ay siiyeen, laakiin nin aan weydiiyay oo aan ku idhi imisaad siisay, ayaa yidhi: “Walaahi anigu shanta faroodba marbaan wada faasaxayoo, waxaan ka jilmaday wasiir gacan weyn oo baqana qabay, xilkana in badanna hayay, kaas oo wuxuu lacag bixinayay aan is idhi waar malaha tuug buu ahaan jiray.”

Mid kale oo aan weydiiyay ayaa yidhi: “Walaahi anigu cidna kama iibin ee waan ku ciil baxay oo wasiirkii reerkayaga oo aanu col ahayn ayaan ku celiyay oo ku idhi ‘Ruux ilaa Rayaale’.”

Su’aal kale oo aan sii weydiiyay Xildhibaanka oo ahayd qiimaynta aad wasiirada ku samaynayseen, ma sidaas oo kale ayay ahayd intaad leedihiin cishaanu islaynaye kaa aynu celino, maxaad u qiimayn waydeen ninka aqoontiisa, intuu dalka u tari karo, masuuliyadiisu intay gaadho, daacadnimadiisa, sumcadiisa, waar waxaas oo dhan maaad ku ilowdeen?

J: Adeer, waxaas oo dhan kama eegno, labadaa arrimood ee aanu ka eegnaa waa weeye; 1). Inuu yeesho dhaameelleeshan iyo shaxaadistaragshan, haddii kale waa ciyaalow codkiina haysta.

S: Oo Edna iyo Ina Xaashiba miyay buuxiyeen shaxaad istaragshan?

J: Horta inanta Edna waanu ka xishoonay oo waxaa ulamaanu tegin, waayo, waxaanu doonaynaain dibadaha ay sibinaaro noogu dirto, Ina Xaashina isaguna waanu ka xishoonay, waayo, Golahayagani waxaanu nahay raggii berigii labada cod siiyay oo waxaanu isnidhi xaalmariya taagga.

S: Waxan ku su’aalay odaygan Xasan Gadhweyne ee miskiinka ah ee beeshii Somaliland ugu gobsanayd ka soo jeedda ee ninka weyn ah, maxaad u sheegateen, miyaydaan il iyo inkaartoonna ka baqaynin?

J: Annagu xeerkii Cigaal ku shaqayn jiray baanu raacaynaayoo Beesha Madaxweynuhu yahay in aanay wasiir wax ka badan yeellan baanu u celinay.

Kaasina wuxuu ahaa Kordhiyeaan Gerendihiisa ku waraystay.
Codbixintaa waxa ka caymaday oo aan cagta soo gelin mid ka mid ah Cabdillaahiyadii kursiga ku ciraystay.

Saylac.

Bar dhul ah oo ka baxda biyaha Badda Shankaroonta, ayaa dhawaan Dayuuradaha Maraykanku batawda ka saareen oo sidii wax waalan u duqeeyeen dayuuradaha dalka Jabuuti seexda, halkaas oo colka Maraykan cawaandinimo u fadhiyo. Gabashan yar oo magaceeda la yidhaa Cibaado ina Shankaroon, waana fin ka kuusan biyo-baxarka Saylac, halkaas oo Jin mooye aan Insi joojin, ayaa dhawaan la arkay dayuurado gawda ku haya oo waxay laynayaana aan la arkayn. Jasiiradaas Barakaysan oo la sheegay in ay ahayd meel uu ku yaallo masaajid uu kalluunku ku tukado, taas oo loo qoondeeyay maqaam lagu dhaqo kalluun ka soo bara kacay iyo ugaadha dhiig-karku ku dhacaa in ay ku sanato ayaa loo malaynayaa in ciidamadu Maraykanku selelku weeraray oo u maleeyay in ay Jasiirada moodeen Argagixiso gurguuranaysa.

Ciidamadaas Maraykan oo la sheegay in dagaal tereriisku wax u dhimay in dhawaydba ku jireen jeel magnuun Jabuuti ay ka kiraysteen, kuwaas oo dharaar dhawaydna kantaalo ku duqeeyay Geel islaameed oo goodiga dameero joog daaqaya, geelaas oo lagu sheegay in uu ku gelgelinaystay meel qoyaanle, iyadoo dhoobadii dheegga kaga taallo ayay ciidamada Maraykan ku arkeen, isagoo xagooda u sii socda, kadibna sawaariikhda minawaaradu Ridaam ayay geellaas ku laayeen, markii la waydiiyayna waxay ku jawaabeen, wuxuu ahaa Geel tababaran oo bamamka iyo baaruudda dhinacyada ku sita; “It was the camel tererism to attak me.”

Sidoo kale, Islaan isa sidata oo lagu soo waramay in askartaasi gantaal ku dhufatay, Gantaalkaas qir-ka-naxa ah oo la sheegay in ay qayb ka yihiin Dagaalka culus ee ay argagixisada kula jiraan ayaa la sheegayaa in ay askarta wax u dhiman yihiin wixii ay dileen in ay jeegag doollar ah ku dul saxeexan oo mag ahaan u bixiyaan Nimankaas waalwaalan ee lacagta sita.

Jabuuti, ayaa la sheegay magdhow kaga dheregtay. Balse dalkan Shankaroonland oo ay ka duqaysay Jasiirad Barakaysan ayaan ilaa imika magdhow Maraykanku ka bixinin, inkasta oo aan la ogeyn in ergo loo diray iyo in kale. Sababta weerarka keentay ayaa la sheegay in ciidamada Maraykanku jasiirada ku arkeen duqsi dab ku shidanaya iyo doonyo shidaalka dhigta marka ay kalluunka xadayaan.

Si kasta ha ahaatee, Maraykanka oo ah bahal cabiidda oo xoog weyn, haddana haddii uu jasiiradaas uu xeer iyo xoola miduun Shakaroonta ka marinwaayo, waxa laga baqa qabaa in dawladda Shankaroonland cadhooto oo cuna qabatayn ku soo rogto Maraykanka kibray oo Rayaalena udubka la ruubto dawladda Maraykan oo ma qaloocshe ku yidhaa “Daahirow inaga daa miskiinkan waalan haynagu diline, ayaan la odhan reer udub-baa Maraykan dumiyaye.”

Biridhaan.

Magaalada Dhan-dhan ee dalka Biridhaan ayaa subax dhawayd oday bakhtiyay laga dhex helay, odaygaas oo markii la hubsaday la gartay inuu ahaa khabiir lagu goblamay oo ahaan jiray lataliyaha hubka Nukuleerka ee Ingiriis. Ninkaas oo marag ka ahaa amuurta alaankaas lagu haysto inankii yaraa ee Toni Bilaydh, kaas oo ka mid ahaa kuraydii Ciraaq ku duushay.

Ninkaas oo aan la garanayn naagtii dishay iyo wixii lagu galay ayaa waxay dadku sheegayaan in odaygani ahaa nin ka fajacay beentii Balayr ee uu dadkiisa u sheegi jiray markii uu Ciraaq ku iimaan la’aa, kaas oo odaygani idaacadda BBC-da la xantay oo ku yidhi: “Waar waxan uu Balayr shubaba waxa la yidhaa; Bush, Balayr bararaf borogaraam for Baqdaad bororagti (BBBBB) fille B).”

Akhyaartayadiiyow warkii waa kaa, imikana bahal gabay ah oo geedkaa le’eg ka dhegeysta Asli Internet.

Gabay

Waa dawlad tiraloo
Ka badan sida tamuuxdaase,
Toddobaatan bay gaadhaysaa
Tobanna sii dheere,
Tayadii la sheegiyo
Lawaa tororogteediiye,
Tumaatida wakiilladu
Cidlaay toos u carartaaye,
Abidkoodba ruux talax gabay
Turun-tureeyaane,
Tiiraanyo cudur bay noqdeen
Amase tayfoodhe,
Tun-ku-shaasle iyo uma tagaan
Taygarada qaare,
Tojorada m in falsamaanta dunida iyo jiritaankeeda la dhawro, in la ilaaliyo inta guudkeeda saaran iyo inta ubucdeeda jiifta, nabad gelyada iyo qiimaha weedha-san; ereyga wanaagsan, iyo garashada oo iyadu ah halbowlihii intaasba u qaabilsanaa arrimaha maamulka, maaraynta iyo jaangoynta.

Arrintan waxa uu maansayahanku si durugsan ugu iftiiminayaa tixdiisa Sirta Nolosha (1986) iyo maansooyinkiisa tub-beegsiga cusub oo ah suugaantiisa intii ka dambaysey Gabaygii Gudgude ee 1990kii. Bal aynu iyana ku dul hakanno tuducyo ka mid ah maansada Sirta Nolosha oo abuurta ka hadlaya:

Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda
Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey
Dadka saaran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.
Allow yaa su’aashaasi
Sida ay u tahay yeela!

Miigganaanta shaqsiyaddiisa milaaxda wanaagsan iyo mintidnimada hal-abuurkiisa qayuuriga ah; sama-doonnimadiisa iyo xumo-diidnimadiisa; gudboonaan raadintiisa iyo quudhsi-diidkiisa; guud ahaan xaq u hiilintiisa iyo baaddil la dagaalankiisa, intaasba waxa uu Hadraawi ka dhaxlayaa oo ku mutaysanayaa jacayl iyo nacayb; nasteex iyo cadaawe mar keliya dushiisa ku wada dhacaya, kuna loolamaya oo uu yeesho. Waxa kale oo uu ku mutaysanayaa boogaadin iyo canbaarayn iyana mar keliya wada haleela qofnimadiisa iyo maansadiisaba. Tani maaha wax la yaab leh, waayo waa dhacdo laga rajeeyo oo laga fili karo meel kasta oo xaq iyo baaddil ay ku hirdamayaan iyo cid kasta oo u soo ban baxda la kala safashada samaha iyo xumaha, weliba maanta waxa miisaanku jiraa dhankii xumaha oo sama-dawdarka ayaa badan. Sidaas darteed ayaa samaha iyo cidda isu soo taagtaa waxa ay noqdaan “Tuke baal cad”.

Socdaalka Nabad-doonka ah ee Hadraawi ugu kicitimay gobolada koonfureed waxa uu baadi-sooc u noqon karaa dareenka laabta la soo kacaya ee horseedka u ah Dib-u-Nabadaynta Soomaaliya iyo Doorka Bulshada Rayadka ah, gaar ahaan kaalinta maskax-maalka iyo suugaanyahanka soomaalida, Hadraawina waa hormoodkii dadaalkaas oo qof kasta uu xil-weyni ka saaran yahay.

Maxamed Bashe X. Xasan.

Mohamedbashe@hotmail.com.

Top


Maxaa La Gudboon Golaha Baarlamaanka?

Ka dib markii ay umadani halgan adag u soo gashay inay ka midho dhaliso hanaanka dumuquraadiyadeed ee ay in badan ku taamaysay inay helaan hogaan shacbigu ay soo doorteen oo ku yimaada si xalaal ah, ayaa ay natiijadii ay ka dhaxleen ay noqotay inuu ku soo baxo daahir Rayaale oo run ahaantii aynu mudo aad u kooban ku baranay waxa uu yahay.

Dalka somaliland oo ah dal aad iyo aad u taag daran, isla mar ahaantana aad iyo aad uu dhaqaalihuusu u liito, ayuu daahir rayaale soo kordhiyay konton wasiir oo ay tayadoodu aad u hoosayso, isla markaana ah kuwii 12 sano soo hor fadhiyay umada, xoolihii loo dhiibayna siday doonaan ugu tagri falay oo maanta qaar ka mid ahina balaayiin doolar ay account yo dibada ah  lacagtii soo dhigteen.

Daahir rayaale waxa uu dayacay qayb dhan oo ka mid ah dhulka somaliland waa sool iyo sanaag bari taas oo maanta uu ka taagan yahay calankii buluuga ahaa ee soomaaliya, taas oo uu cabdilaahi yuusufna ku hamiyaayo inuu ciidamo shisheeye keensado, kuna soo fidiyo sanaag inteeda kale iyo waliba togdheer, waa inta khariirada uu samaystay ugu jirta e, iyada oo uu dalkii dayaca intaa le,egi ka muuqdo aynu is waydiino xaalad noocee ah ayay ku sugan yihiin masuuliyiintii aynu xilka u dhiibanay?

Hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo su’aashaa ,dawladii dhamayd ee aynu dalkan ku aaminay shaqadeedii waxa  ay noqotay aynu xakamayno jamhuuriya, haatuf; ha lagu xumeeyo hebel, iyo ha la raadsado cid wal oo ay u gartaan inuu ahaan jiray hogaamiyayashii SNM.

Hadii aan runta la isu sheegin bulshayahay god ayaad ku dhacaysaan sidii aad lixdankiiba aad ugu dhacdeen, ala kama dhigo e shan sano oo rajo la aan ah ayaa aniga ii muuuqata, ee bal aynu eegno halka maandeeq ay sal dhigto, taasoo umadeedu waa shacbiga somaliland e ay yihiin shacbi liiita oo wanaag iyo samo aan kala soocaynin, dhibta ku soo socotana aan garan karin ilaa ay ku habsato mooyee.Waxa aan u soo jeedinayaa nimanka kuraaska baarlamanka ku fadhiya, rajadii u danbaysay ee dalkan bad baadin lahayd baad tihiin, laba mid maanta kala doorta , dalkii ood bad baadisaan iyo god modaw oo kii lixdankii aynu ku dhacnay ka xun oo aad dalka iyo umadaba ku ridaan.

Gehary Abdi

Top


Hadraawi Waxa U Shaveeco Qaadaysa Taariikhda.

Dadka ku nool Somaliland haddii qofba qof toosh la dabagalo dal iyo dad midna waxba u qaban mayno.

Hadrawi waa nin lagala xishoodo wax la saar-saaro, dalka iyo dadkana wuxuu ku leeyahay Taariikh aan cidna wax yeeli karin. Inyar tusaale hadaan uga soo qaato hadalka uu joornaalka xorta ah Cumar Maxamed Nimcaale uu wax kaga sheegay abwaan Hadraawi ee ku weeraray waa meel ka dhac. Lagama hayo abwaanka Somaliland ma jirto. Wax uu dalka u taray mooyee wuxuu yeelayna lama arag, wax siyaasadana kama hadlin.

Hadraawi taariikhda halganka uu umadda u soo maray iyo Cumarna way kala war la’ yihiin. 1972 halgankii uu biladda abwaanku weli wuu ku jiraa xoriyadda uu Cumar ku faanayna magac weyn ayuu ku lahaa abwaanku oo waa la wada ogyahay. Midda kale, Hadraawi wuxuu caan ku yahay inuu had iyo goor dhinaciisa u debbciyay cid kasta oo dulman iyo cid kasta oo dhiban, waxa kale oo uu caan ku yahay nin mug weyn oo aad u aqoon dheer oo aan looga maarmin talo kasta oo wanaag lagu doonayo. Taasi waa mid la odhan karo naxariistaa uu caanka ku yahaybaa keentay inuu lug dhib iyo rafaadba leh ku maro gobollada Somaliyeed ee degaaladu naafeeyeen. Nin siyaasad ku hawlana maaha oo taa isagaa goob walba la taagan, muxuu Xamar u tegayna xaq looguma laha ee meesha waxaa taala dalkeena muxu ka sheegay iyo dadkeena muxuu yeelay?

Hadraawi, dagaalka Cumar sheegayo miyaanu ogayn inu dadka oo hurdo ku jira Hadraawi ahayn ninkii u toosinayay, miyaanuse ogayn inuu abwaanku magac ku leeyahay Somaliland, Somaliya, Africa iyo aduunka oo dhan, magacaana wuxuu ku helay badheedhihiisii halganka iyo banii’aadamnimo, isagoo aad u jeclaa xaq u dirirka.

Haddaba Nimcaalow waxaad umadda u cadaysay inaad tahay abaal ma gude, isagana dalka iyo dadkuba abaal buu u hayaa.

Gebogebadiina qof waliba waxa uu dalka ku leeyahay taariikhda ayaa sheegi doonta, siduu abwaankuba yidhi; “Hadii aan garaad lagala hadhin galab-ba sheegeeda, geedkeed ba’ waa sixir haddaan garasho liicayne.”
Waxaanan leeyahay hala iska hubsado dadka weerarka la iskaga qaadayo.

Jaamac Saleebaan Dheeg.

Top


Dawladi Jirimayso Haddii, Dawlada Cashuurta Urursan!

Wasiirka maaliyada ayaa laga hayaa “In tijaarta dalku ay ku bixiyaan cashuurtii Macashal Macaashka ee dawlada sida ugu dhakhsaha badan”. Marka ay dawladu lacag u baahato ayaa ay dadka baryo, berlaxawsi iyo hanjabaad ula timadaa, si ay cashuurta u bixiyaan. Marka ay dadka dambiyada ka galaysana ma daanayso.

Dawladu waxaa ay samaysay inay dadkan ay ka gasho dambiyo, waa DAMBI:
Marka dhalinyaro wadankan u soo dagalamay, oo majaahidiina ah, jeelal lagu hayo, oo aan dawladu u ogalaan inay maxkamad horkeento. Waxay ahayd inay dawladu ilaaliso DASTUURKA dalka, laakiin dawladii ayaa jabinaysa DASTUURKII Dalka. Xabsi loo diro wadaniyiinta, iyaga oon maxkamad la horkeenin, waa shaqadii xukinkii FAQASHTA.

Marka ay dawladu la timado sharci ay doonayso inay ku xakamayso saxaafada xorta ah, sharcigan oo ka soo horjeeda DISTOORKA dalka u yaala.

Marka Dawlad 42 wasiiro/wasiiro ku xigeeno ka kooban oo dadkan iyo dalkani dhaqaalihiisu iska xajinaynin dusha laga keenay.

Marka Lacagta dadwaynaha si waxashnima ah, loo boobo iyada oon wali cid u xidhan aanay jirin LUMINTA IYO DHICIDA XOOLAHA DADWAYNAHA.
Macashul macashka waxaa xaq ah in ay Tijaartu iska bixiyaan. Waxaase Cashuur bixinta ka horaysa inay Tijaarta iyo Shicibkuba ay helaan Hay’ad dawlada ka madax banaan oo xisaabisa halka uu shilinkasta oo laga ururiyaa maro.

Waxaa loo bahanyahay Hay’ad (HAY’ADA CIDHIBTIRKA MUSUQMAASIQA).

Hay’adan oo la shaqaysa wasaaradaha Maliyada iyo Cadaalada. Hay’adan waa inay awood u lahaato ay ku baadhi karto goobaha cashuuraha lagu ururiyo. Cidii ay ku helaan dhacid ama lumin Maalka Ummad in ay u diraan Maxkamad gaara oo la shaqaysa Hay’adan. Maxkamadani waa inay ku xukunto qofka ay ku hesho dambi ah XATOOYO XOOLO DADWATYNE inuu xabsi dheer galo.

Inta aanay Hay’adani jirin waxaan qabaa lacagta ay cashuurta shicibka lagaga ururiyo inay mari doonto halka ay tii hore martay; oo ah jeebadaha dawr qof oo hogaamiyayaal iskugu sheega.

Haddii sidan arimuhu u socdaana waxaa ay Somaliland u baahantahay in la BADBAADIYO. Waxaanan dadka ka codsanayaa inaanay daawan ilaa ay arimihu faraha ka baxayaan ee dadyaho foojignaatan, nabadan maanta aad haysataan lagu waarimaayo haddii ay dawladu iyadii sharciga jabinayso. Waa in aad u cadaysaan DAWLADAN inaanay qadanaynin haddii ay dawladu jabiso Dastuurka dalka, ayna boobto HANTIDA dadwaynaha. Dadkii u footeeyay Dahir Rayaale ugama ay footaynin in uu Dastuurkii 97% dadka Somaliland u codeeyeen in uu dawladiisii ilaalin lahayd iyadii jabiso, ugumana ay footaynin in Hantida Dadwaynaha Dawladiisu boobto. Haddii dawladani ayna ka noqon falalakan waxaa ay mari doontaa halkii ay martay tii ka horeeysay.

Omar A. Yousuf, Ururka Wadaniyiinta Somaliland, California, USA.

Top