Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 381 July 23, 2003

Cusbitaalka Boorama Oo La Gudoonsiiyay Qalab Caafimaad.

Maayarka Burco Muxuu Ka Yidhi Duruufaha Maamul Iyo Baahiyaha Adeeg Ee Magaaladiisa.

Kulan Berbera Ku Dhex Maray Wasiirka Maaliyada Iyo Ganacsatada Bagaashka.

Ha Iman La Haydaa, Q: 3aad, Maxamed Daahir Afrax.

Koox Wasiiro Ah Oo La Ansixiyey Iyo Wasiirka Warfaafinta Oo Lala Hadhay.

Muranka Isa Sii Taraya Ee Xuduudaha Degmooyinka Galbeedka Somaliland Iyo Saamaynta Gebilay, Warbixin – weriyaha Haatuf ee Gebilay.

Iyadoo sidii oohin iyo dhaar isugu dhafaysa ayay labbis isku boobtay..

Caafimaadka Iyo Daawooyinka, Maxaad Ka Taqaan Cudurka AIDS-Ka? Q:2aad.

Khilaaf Ka Dhex Oogmay C/Laahi Yuusuf Iyo Ku Xigeenkiisa.

Talyaaniga Oo Dedaal Ugu Jira Xakamaynta Dadka Soo-Geleetiga.

700 Qof Oo Ku Dhintay Dagaalada Cirka Isku Shareeray Ee Liberia

Bush Oo Mar Kale Eedeeyey Dalalka Iiraan Iyo Siiriya.

Munaasabad loogu dabaaldagay dhalashada Nelson Mandela.

London: Muran Ka Dhex Aloosan Somalida Iyo Dadka Ingiriiska.

Shaqsiyadda Hadraawi iyo Socdaalkii Nabadda.

Maraykanka Oo Sheegay Inay Dileen Labadii Wiil Ee Uu Dhalay Sadaam Xuseen Iyo Askar Ameerikaan Ah Oo La Laayey.

ODHAAHDA AKHRISTAHA:  Guurku Ma Ganacsi Buu Noqday?

Meeday Dimuqraadiyaddii Aynu Ku Dhawaaqnay?

WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Haatuf Oo Ku Guulaysatay Koob Lagu Xusayay Marxuum Xarbi.

Kooxaha Hilaal (Gebilay) Iyo Caafi (Burco) Oo Ciyaar Saaxiibtinimo Dhexmartay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Cusbitaalka Boorama Oo La Gudoonsiiyay Qalab Caafimaad

Boorama (Haatuf) Ururka  samafalka ee loo yaqaan Gargaar ayaa shalay Cisbitaalka Boorama  ugu deeqday  qalab caafimaad iyo qalabka xafiisyada  oo ay jaaliyadda reer Awdal ee ku nool dalka Denmark soo ururiyeen.Munaaasabadda wareejinta qalabkan oo ay kasoo qaybgaleen Duqa Boorama Cabdiraxmaan sh.Cumar Isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Jaamac Hadi iyo guddoomiyaha  guddiga dadweynaha  u qaabilsan caafimaadka.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Boorama Maayar Boorama oo ka hadlay  munaasabadda wareejinta deeqdan   ayaa caddeeyey dadaalka ay dadweynaha reer Boorama ee debedaha joogaa  ku dadaalayaan kor u qaadidda adeegyada cafimaadka dadweynaha,iyo sida loogu baahanyahay in  deeqaha ay keenayaan u gaadhaan goobihii loogu talo galay. Duqa Boorama Cabdiraxmaan sh.Cumar waxa kale oo uu ka hadlay ama uu sheegay in deeqdan  oo ah tii u horreysay intii uu xilka Boorama qabtay ay noqon doonto mid wax ka tarta addeegyada caafimaadka Boorama iyo deegaanka la xidhiidha.Isuduwaha Wasaradda Caafimaadka gobolka Awdal Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Hadi  oo isna munaasaabadda
wareejinta deeqdaan oo  isugu jirta sariiro, qalabka curyamiinta, qalabka xafiisyada,qalabka lagu garto in ilamaha caloosha ku jiraa inuu  noolyahay iyo in kale, ka hadlay ayaa ugu horreyn waxa uu mahad u celiyey   cidda isku hawshay ururinta qalabkan iyo soo gaadhsiinteeda Cisbitaalkan isagoo sheegay in baahida cisbitaalku u qabo fulinta adeegyada dadweynuhu ay deeqdani waxweyn ka tari doonto.

Isla markaana wax ka tari karaan laamaha kale ee degmooyinka gobolka u qaabilsan caafimaadka. Isuduwuhu waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka haysta adeegyada caafimaadka dadweynaha oo uu sheegay in tan iyo markii hay'adda talyaaniga ee COOPI faraha ka qaadday  dawooyinkii ay siin jirtay sannad ka hor anay ilaa imika jirin cid kale oo isku hawshay  wax-ka-qabashada dawo la'aanta haysata isbitaalka.

Sidaa darteed ay ururka gargaar ka dalbanayaan inay wixii karaankooda ah ee dawooyin ah wax kala qabtaan. Ka hor waxa halkaa warbixin ku saabsan deeqaha ururka gargaar ee fadhigiisu yahay Denmark soo gaadhsiiyey caafimaadka gobolka ka soo jeediyey wakiilka ururkaasi u fadhiya Boorama Mahdi Xuseen Cadar oo sheegay in deeqdani tahay tii shanaad  ee ay dalka keenaan,isla markaana  waxa baxayna si sharci ah lagu bixiyey wixii kalena ay yaallaan qaybintooduna ku xidhantahay hadba baahidu  sida ay tahay.

Top


Maayarka Burco Muxuu Ka Yidhi Duruufaha Maamul Iyo Baahiyaha Adeeg Ee Magaaladiisa.

S: Wax Ma Ka Qabanaysaan Wadooyinka Habaaska Leh Ee Magaalada Burco?
Waraysi (Q:2aad) – Maayorka Burco

Burco (Haatuf) – Cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee waraysi aanu la yeelanay maayarka Burco, Maxamed Diiriye Aw-Xayd, waraysigaas oo la xidhiidha xaaladda maamulka ee dawladda hoose iyo guud ahaan duruufaha ku xeerran waxa toddobaadkii hore magaalada Burco kula yeeshay A. Ducaale, waxayna waraysigaa qaybtiisii labaad u dhacday sidan:

S: Ma jiraan wax duruufo ah oo idin horyaal?

J: Way duruufo na horyaal, waxaana ka mid ah dayman oo la leeyahay waxaanu ku lahayn dawladda hoose oo ay ka tageen maamuladii hore, waayo dawladda hoose waxa loo yaqaanay qabrigii daynta, iyadoo ay dadweynaha reer Burco markii hore dawladda hoose ka aaminka baxeen, taas oo hadda ay had-ba inyari soo noqonayso. Waxa kale oo iyana jirta qalabkii iyo gaadiidkii aanu shaqayn lahayn oo naga liita, waxa jirta inay magaaladii aad u balaadhatay, sidaa darteedna ay u baahan tahay qorshe cusub oo degsiimo (Tawn Plane) loo sameeyo. Waxa kale oo ka mid ah caqadaha kale ee jira, isla markaana aanu dadweynaha reer ka codsanaynaa inay maalgashi ku sameeyaan magaalada. Waxa kale oo aanu doonaynaa inay reer Somaliland iyo duniduba ogaadaan inay Burco tahay meel caafimaad qabta oo ay nabadgelyadeedu taam tahay.

S: Dhinaca maamulka gudaha dawladda hoose wax mashaakil maamul ah miyaanu ka jirin?

J: Hadii aanu xubnaha golaha degaanka nahay waxaabu arimaha maamulka ka leenahay talo-wadaag, hadii talo-wadaag jirona inta badan is qabad iman maayo, taas darteedna ma jiro wax khilaaf maamul ah oo dhexdayada ka jiraa.

S: Waxa la leeyahay labadii nin ee maamulka loo doortay (Maayarka iyo Kuxigeenkiisa) waxa dabada haya oo inay dhaqaaqaan u diidan xubnihii kale ee golaha degaanka, meeshiina 21 maayar baa yimi, halkii awel maayar qudha laga qaylinayey, taas ma waxaad leedahay ma jirto?

J: Hadii aanu nahay golaha degaanka xeer baa noo yaal, isaga ayaanuna ku soconaa, markaa waxaanu golaha degaanka ka samaynay afar guddi oo kala ah, guddiga nabadgelyada, guddiga dhaqaalaha, guddiga dhulka iyo guddiga arimaha bulshada, guddiyadaasina waxay ku shaqeeyaan sida uu xeerku dhigayol, ta kale maayar-xigeenku waxa si gaar ah loogu igmaday arimaha dhulka, dhamaantayona talo-wadaag ayaanu leenahay, anagana hadii aanu maayarka iyo maayar-xigeenka cidina hawshayada maamul naguma faro geliso oo waanu u madax banaanahay.

S: Waxa la leeyahay khilaaf qarsoon oo aan weli soo shaac bixin ayaa dhexyaal golaha degaanka Burco, taas ma waxaad leedahay ma jirto?

J: Ma jiro wax khilaaf ah oo dhexdayada yaal, mana filayo inuu jiri doono, ilaahayna ka baryi mayno, waayo waxaanu ku tashanay inaanu 21-kayaga xubnood ee golaha degaanku noqono ul aan la jebin karin.

S: Wax gacan ah ma ka geysataan arimaha booliska?

J: Magaalada Burco waxa jooga ciidan boolis oo aad u fara badan , ciidankaasina wax tas-hiilaad ah oo fara badan kama helo dawladda dhexe, markaa waxa ugu badan ee uu ku dhaqdhaqaaqaa waa wax dawladda hoose ka taga , masalan hadii ay meel wax ka dhacaan oo loo baahdo in boolis loo diro shidaalka waxa la waydiinayaa dawladda hoose , sidaa awgeed booliska wax duruuftu noo saamixi-waydo mooyee ma jirto wax aanu ka hagranaa. Laakiin waxaanu ka codsanaynaa dawladda dhexe inay booliska Burco u soo jeestaan oo ay indho gaar ah ku eegaan.

S: Adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaad maxaad ka qabateen, ama maxaa idiinka qorshaysan?

J: Waxyaalaha ugu horeeya ee noo qorshaysani waxa weeye inaanu meelihii iskuulaadka ama rugaha caafimaad noqon lahayd samayno ama wax ka qabano, iyadoo aanu hayno ilaa saddex goobood oo aanu u hayno iskuulo inay noqdaan iyo ilaa laba meelood oo ugu talo galay inay rugo caafimaad noqdaan, iyadoo ay qorshaha ku jirto in la dayac tiro oo la dhiso dugsiyada qaarkood, sida kuwa sare iyo qaar ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe. Sidoo kalena caafimaadka waxyaalo badan ayaa nooga qorshaysan.

S: Waxaad sheegtay inaad dakhliga dawladda hoose gaadhsiiseen ilaa laba iyo toban milyan, laakiin intaa inka badan ma gaadhsiin kartaan?

J: Haa wuu gaadhayaa, iminkana dakhliga dawladda hoose hadda soo saari karto marka toban meelood loo qaybiyo laba meelood lama taabban, waayo magaaladu waa magaalo aad u balaadhan.

S: Imisa ayaad is leedahay waad gaadhsiin kartaan dakhliga?

J: Ilaa soddoneeyo shan iyo labaatan milyan ilaa soddon milyan waanu gaadhsiin karnaa maalintii.

S: Dadka qaar waxay leeyihiin musuqmaasuq ayaa ka jira dawladda hoose, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Meel hal lagu qalay koleyba cad la qariyo la waayi maayo, laakiin waxaanu ku dhaaranay inaanu dadkayagu u shaqayno ee inaanu ka shaqaysano ugumaanaan dhaarran, sidaa darteed koleyba wax way iska jiri karaan, oo anaga laftayadu way jiraan meelo aanu tuhmayno inuu waxoogaa musuqmaasaq ahi ka jiro, balse waxaanu dedaal ugu jiraa sidii aanu ula tacaali lahayn.

S: Qoladiina madaxda dawladda hoose iyo qolada maamulka gobolka waa sidee wada shaqayntiinu?

J: Anaga iyo madaxda maamulka gobolka waxa naga dhexaysa wada shaqayn aad u wanaagsan, wixii marba nagu yimaadana anaga oo hareeraha ka joogna ayaanu ka wada tashanaa.

S: Marka la eego dhinaca wax qabadka mustaqbalka maxaad dhaxal uga taga magaaladaada ama qabo si hadhaw taariikhdu u xusto?

J: Horta waxaanu leenahay istaraatijiyad wax qabad, laakiin waxyaalaha ku talagalkayagu waxa kow ka ah inaanu walaalayno dadka reer Burco iyo inaanu cadaalad dadkayaga ku maamulo, oo aan nalagu xamman waa kuwii eexda badnaa, ta labaad ee aanu doonaynaa waa inaanu bilicda magaalada wax badan ka qabano ama ka bedelo, isla markaana aanu horumarino.

S: Wadooyinka Burco ee habaaska badan qorshaha ma idiinku jirtaa inaad in uun wax ka qabataan?

J: Arinta wadooyinka waxaanu ka samaynay tashi badan oo la xidhiidha sidii aanu wadooyinka u dayac-tiri lahayn, isla markaana hayado badan ayaanu waydiisanay inay wax nagala qabtaan, waxaanu jecelahay inaanu xilka ka tagno Burco oo laamiyo qurux badan leh, oo aanu meesha ka saarno wadooyinkaa boodhka badan leh, taas ayaanu jecelahay inaanu noqono kuwo lagu xusuusto oo la yidhaahdo qoladii berigaa joogtay baa laamigaa samaysay.

S: Ciidanka booliska Burco waxa ku xeerran duruufo badan oo u baahah in wax laga qabto hadii ay tahay dhinaca tayeyntiisa iyo hadii ay noqoto dhinac dhaqaaleba, markaa idinku hadii aad tihiin maamulka dawladda hoose diyaar u tihiin kaalinta idinkaga aaddan ka qaadataan ?

J: Haa waxaanu doonaynaa in wax alaale wixii awoodayadu gaadho
inaanaan waxba ka hagran wax ka qabadka xaaladda booliska Burco , laakiin madaxda sare ee ciidanka booliska iyo wasaaradda arimaha gudaha inay qaybtooda ka qaataan wax ka qabashada xaaladda ciidanka Burco oo ay tababaro siiyaan, oo ay dirays siiyaan, isla markaana ay ciidanka tayeyntiisa aad uga shaqeeyaan, Hase yeeshee marka intaa ka gud-bo ugu dambayn waxaan dhamaan dadweynaha reer Burco ugu baaqayaa debed iyo gudoba inay magaaladooda maalgashadaan , waxa kale oo aanu ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan hawsha balaadhan ee aanu wadno, isla markaana ay wixii dhaliil ah ee ay nagu arkaan noo sheegaan oo ay na toosiyaan, aniga oo leh ceel-na uma qodna, cidina uma maqna.—
Dhamaad

Top


Kulan Berbera Ku Dhex Maray Wasiirka Maaliyada Iyo Ganacsatada Bagaashka.

Hargeysa (Haatuf) – Kulan lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay ganacsatada bagaashka kala soo degta dekedda Berbera iyo xukuumadda Somaliland, ayaa shalay ka dhacay magaalada Berbera. Kulankaas oo ay soo qayb-galeen Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale, xubno ka tirsan ganacsatada iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Saaxil.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), waxay labada dhinac isla qaateen in meel dhexe laysugu yimaado, iyadoo ay arrinta khilaafka ganacsatadu gaadhay Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, taasina ay keentay in Wasiirka Maaliyadda iyo Ganacsatadu ay isula noqdaan dhinaca dekedda magaalada Berbera, si loo soo af-jaro arrintan oo muddadii ay taagnayd curyaamisay dhaqdhaqaaqii, adeegyadii iyo hawlihii dekedda Berbera.

Wasiirka Maaliyadda oo kulankaa kadib u waramay Saxaafadda, ayaa sheegay in ay arrintani ka dhalatay kadib markii ay xukuumaddu ku soo rogtay nidaam cusub, kaas oo ahaa in Maraakiibta iyo gaadiidka kale ee badeecadaha keena dekedda loo baahan yahay in ay sitaan manaasiif sharciya (orginal) oo ay ka soo qaataan meelaha ama dekedaha ay ka soo baxayaan, taas oo caddeynaysa tirada alaabta uu sido gaadiidku, isla markaana ah nidaam caalamiya oo lagaga dhaqmo dekedaha Caalamka.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in gaadiidka badda ee aan sidan manaasiiftaa la ganaaxi doono, laakiin wuxuu sheegay in ay arrintaasi tahay ta keentay in ay ganacsatadu ka cadhoodaan oo Hargeysa noogu yimaadaan, isla markaana waxa uu xusay in ay xukuumaddu waxyaabihii ay ganacsatadu ka cabanayeen ka dhegaysatay.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in nidaamkan ay ganacsatadu ka hortimid uu yahay mid ay Xukuumaddu ku ogaatay sida loogu tagri falo ee loo lunsado, iyadoo alaabooyinka boqolkiiba labaatan la cashuuri jiray (20%), isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: “Taasina waa mid aanay dawladdu yeeli karin, masuuliyadda ugu weyn ee dawladda saarani waa ururinta dakhliga dalka.”

Wasiirku isagoo ka hadlaya xalka ay isla gaadheen ganacsatada, waxa uu sheegay in ay ganacsatada ku heshiiyeen in alaabta la furo oo ay u hogaansamaan sharcigaa, laakiin waxay dhinaca xukuumadda ka codsadeen laba-noolka iyo laba-rarka ku dhacay badeecadaha in loo tudho, taas oo uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in loo sameeyo qiime-dhimis khasaaraha kaga yimi dhinaca Markabka marka alaabta loo tiriyo, iyadoo boqolkiiba soddon (30%) laga dhimmayo, laakiin wixii intaa ka dambeeya sidii nidaamkaa cusubi yahay loo raacayo, taas oo uu sheegay Wasiirku in ay isla ogolaadeen labada dhinac-ba.

Wasiirku isagoo ka jawaabaya sida ay u kaantarooli karaan badeecadaha ka yimaadda meelo badan oo dhinaca badda iyo barigaba ah, waxa uu sheegay in ay u qorshaysan tahay inay dhawaan ciidamo iyo gaadiid geyn doonaan meelaha xuduudaha ah ee ay ka soo galaan badeecadahaasi, isagoo xusay in dhinaca xuduudda Itoobiya uu wada hadal u socdo labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana dhinaca alaabta ka timaadda Boosaaso, waxa uu sheegay in aanay wixii koontarabaan ah xukuumaddu ogolaanaynin.

Mr. Xuseen Cali Ducaale, Wasiirka Maaliyadda mar la weydiiyay in ay arrintani keeni karto in ay ganacsatadu u wareegaan dhinaca Boosaaso, waxa uu sheegay in ay iyagu xukuumad ahaan wakhtigan ay u tudheen ganacsatada khasaaraha ka soo gaadhay, laakiin haddii ay tagaan Boosaaso ay xukuumaddu la wareegi doonto gaadiidka dalka soo gelinaya alaabtaa, isagoo yidhi: “Waxaanu qaadi tallaabo dawladeed.”

Wasiirka oo la weydiiyay in mar haddii ganacsatada 100% badeecadaha loo cashuurayo, halka ay xukuumaddu u qorshaysay dakhliga intaa le’eg ee kordha iyo waxa ay ku qabanayaan, iyadoo shaqaalihii iyo ciidamadii ka dayacan yihiin. Wasiirku, isagoo taa ka jawaabaya yidhi: “Ku tala-galkayagu waa in aanu daryeelno ciidamadeena oo aanu ninka ururinaya dakhliggu afartan doollar bishii qaadan,” wuxuuna ku tilmaamay in ay taasi tahay dembi laga gelayo qofka shaqaalaha ah ee carruurta iyo reerku sugayaan, mana aha wax caqliga saliimka ahi qaadi karayo.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi: “Waxaanu ugu horeyn gacan siinaynaa shaqaalaha iyo ciidamada, Maamulkeenana Sool iyo Sanaag Bari ayaanu gaadhsiin doonnaa. Cashuurtaasina waxay noqonaysaa mid aan leex-leexan oo meeshii loogu talo-galay marta.” 

Top


Ha Iman La Haydaa, Q: 3aad, Maxamed Daahir Afrax.

"Maxaad isla duuduubaysaa, maad nala hadashid, Wax baannu ku weydiinaye!" ayuu ka maqlay meel qiyaasta laba tallaabo u jirta. Waa Faadumoo weli canaantii iyo cabashadii daba wadda. "Aaway lacagtii saalootada ee aad tirdhi anaa nin saaxiibkay ah ka soo amaahanaya? Mise waxay ahayd khayaano kale oo aad iiga qaadayso lacagtii yarayde aan hagbadda u ururshey, si aad ugu qayisho; waa dabeecad cusuboo aad beryahan ..."

"Walaaley naga seexo, xilli dad miyir qabaa wada hadlaan ma joognee" Geeddi oo weli godkiisii ku xabaalan ayaa isku dayey in uu afadiisa ku aamusiiyo.

"Waa goorma xilliga la wada hadlaa,haddaan laguba arkayn? Yaa ku arkaaya? Maxaa adiga kuu diidey in aad timaaddo xilliga muslinku guryahooda yimaadaan? Maalin oo dhan waad huruddaa, habeen oo dhanna waad maqantahay. Horta gurigan ma hoteel kuu kiraysan oo markii hurdo ku qabato uun aad ku soo gataati-dhacdo?!"

Markay halkaa maraysey ayay toos u eegtay sariirta baaxadda weynee barbarku banaanyahay. Waxaa mar qudha hor yimid faraqa u dhexeeya dhaxanta iyo wehel la'aanta dhawr sano sariirtani ku haysey iyo diirrimaadkii. damaashaadkii iyo wada dekayntii iyada duqeedu ku wadaagi jireen sariirtoodii Xamar sanadihii hore ee guurkooda, in kastuu ka dib markuu awoodda iyo lacagta badan yeeshay iska illaaway waajibaadkii iyo xaq-dhawrkii xaaskiisu ka mudnayd. Wuxuu bilaabay tumasho waalan (iyo ugaadhsi gabdhaha yaryar. Mid xoghayn u ahayd cidna kalama xishoon jirin. Faadumo markay ka masyrtayna wuxuu ku handadey: "haddaad qaylqayliso intaan ku furaan iyada ,guursayaa!" Way ogeyd in uu ka dhabayn karo, deerana deero u hardiyeyn, sida Soomaalidu tidhaahdo. Sidaa awgeed way iska aamustay. Uurka hoose uun bay ka ooyi jirtey. Ha yeeshee waxay ku faraxsanayd kuna faani jirte barwaaqadii ay ku dhex jirtey qayrkeedna ka qatanaayeen. Guud ahaan ninkeedu qiime weyn ayuu la lahaan jirey.

'Kaaf iyo kala dheeri! Wallee kani kii ma aha. Majlis-majlis bay baratay! Majlisna ma jiree ninkan naago iyo qudba-sireed baa meel ugu qarsoon! Cibaado wixii ay ii sheegaysey waa run. Dhiigla'aantayduu arkay. Ciilow way!! Faadumo mar labaad bay miyir- gaddoontay.. Hiirtaanyadii laabteeda hurududey baa hir la soo kacday.. Iyadoon is ogeyn bay sidii aar libaax ugu soo booddey Bustayaashii uu ku hoos jirey bay mar qudha ka xayuubisay.. Qoob iyo qaylay af iyo addinba furatay: "Kac baan ku idhi waan kula hadlaynaaye. . Wallaahoonad caawa seexanayn ilaa aad iga jid- baxdo! Waxaad baratey in aad habeen kasta isu kay dhega tirto. 'Waan daallanahay' baad hadal ka baratay. Wixii ku soo daaliyey adaa sheegi doonee nala hadal baanu ku leena hay!"

Qaarka horuu la soo kacay, isagoo muruxsan sidii neef haraggii laga siibay. Cadho awgeed waxaa ka soo baxy qanjidho waaweyn iyo halbowlayaal la moodo abeesooyin dhadhaab madow dul gurguuranaya. "Naa iga dul-qaad buuqa, wax xun baad caawa iga doonaysaaye! Ha igu kallifin in aan kuu gacan qaado!"

"Kuu gacan-qaado? Kuu gacan-qaado? Maxaad tidhi? Ma anaad ii gacanqaadaysaa? Car haddaad nin tahay!" Hanjabaaddiisii baa holacii ku shidmayey oo saliid hor leh ku noqday. "Iga soo bax! Iiga bax guriga! Imminkadaa iga bax, dib dambena kuuma arki karo!" iyadoo leh bay hore ugu booddey, si ay mar labaad uga xayuubiso bustayaashii uu isku dadey. Markan wuu ka digtoonyahay, Wuuna ka xoog badan yahay. Intuu bustayaashii ka xajistey ayuu isagoo weli madaxu u dadanyahay haraati xoog leh dib ugu saydhay. Raage iyo sariirtiisii yarayd bay ka dul dhacday. Wuxuu ku warhelay wiilkiisii yaraa iyo hooyadiis oo oohin mar qudha isla dhawaaqay. Oohintii Raaguu ka uur-gubyoodey.. Sariirtii buu ka sara-kacay.

Fadumoo cartamaysaa telefoonkii ku fara baxsatay.. Meesha ay u dirayso wuu garanayaa.. "BalIan llaahay waxaan ku galay i in aad xabsi ku abaaddaa!!" ayay ku celcelinaysaa.. Intuu ka daba tagey buu telefoonkii ka fara maroojiyey, daaqaddana ka tuuray..
“Ma waxay kula tahay in aad sidaa ku baxsan doonto? Wax yar i sug! Balan waxaan ...”

Top


Koox Wasiiro Ah Oo La Ansixiyey Iyo Wasiirka Warfaafinta Oo Lala Hadhay.

Reebistii Cabdilaahi Iyo Catowgii Uu Buuni Madasha La Gole Yimi.

Hargeysa (Haatuf) – 10 xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada ee uu madaxweyne Rayaale dhowaan dhisay ayaa shalay ansixintooda u codeeyey mudanayaasha golaha wakiiladu, taas oo 9 ka mid ah la ogolaaday, halka mid ka mid ahna la diiday, ka dib markii ay mudanayaashu xubnahan wasiirada ah mid mid ugu codeeyeen, iyadoo ay xubnaha golaha wasiirada ah ee shalay golaha horyimi ahaayeen kooxdii afraad ee golaha hortimaadda.

Tobanka xubnood waxay isugu jireen wasiiro, wasiir-kuxigeenno iyo wasiiru-dawlayaal, taas oo ay 8 xubnood ahaayeen wasiiro, 3 wasiir-kuxigeeno, waxayna kala ahaayeen: Wasiirka ciyaaraha, Maxamud Siciid Maxamed oo ay ogolaadeen 57 mudane, halka ay diideen iyo 13 mudane oo diiday, iyadoo ay madasha fadhiyeen 71 mudane, laakiin gudoomiyaha ayaan codaynayn , wasiirka warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa isna ogolaaday 23 mudane, waxaana diiday 43 mudane iyo 4 mudane oo ka aamusay, Wasiirka xanaanada xoolaha, Dr. Idiris Ibraahin Cabdi waxa isna ogolaaday 59 mudane iyo 11 mudane oo ka aamusay, wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni waxa ogolaaday 36 mudane, waxaana diiday 32 mudane iyo 2 mudane oo ka aamusay, wasiirka dalxiiska Cismaan Xasan Bile waxa ogolaaday 67 mudane, waxaana ka aamusay 3 mudane, wasiirka horumarinta reer-miyiga Fu’aad Aadan-Cadde waxa ogolaaday 69 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane, wasiirka arimaha qoyska Faadumo Suufi Xasan waxa ogolaaday 68 mudane, waxaana ka aamusay 2 mudane, wasiir-kuxigeenka duulista hawada Daahir Xaaji Maxamud waxa ogolaaday 66 mudane, waxaana ka aamusay 4 mudane iyo wasiir-kuxigeenka hawlaha guud Aadan Jaamac Hoori oo ay ogolaadeen 63 mudane, waxaana ka aamusay 7 mudane.

Laakiin tobankan xubnood ee shalay hortegay fadhiga golaha wakiilada wasiirka keliya ee la ansixin-waayey waa wasiirka warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, taas oo ay mudanayaashu wasiirka warfaafinta ku diideen cod aqlabiyad ah, isla markaana marka la eego tirada wasiirada ee ilaa hadda horyimi golaha wasiirada, Cabdilaahi waxa uu noqday wasiirka noqday wasiirkii codadka ugu yar ka helay mudanayaasha golaha wakiilada, hase yeeshee marka laga yimaaddo wasiirka warfaafinta ee lala hadhay qaar ka mid ah xubnaha la ansixiyey ayaa iyagana maalmihii u dambeeyey fartu ku godnayn, kuwaas oo la saadaalinayey inay mudanayaashu ansixintooda diidi doonaan, waxaana ragga ay hadal-hayntu ku badnayd ka mid ahaa wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni iyo wasiirka ciyaaraha Maxamud Siciid Maxamed, balse taa way ka samata-baxeen, laakiin marka xubnaha la ansixiyey waxa codadka ugu yar helay Cabdi Xasan Buuni (Wasiirka xidhiidhka golayaasha), kaas oo ku baxsaday 4 cod oo keliya, taas oo la odhan karo Cabdi Xasan dirqi ayuu ku baxsaday.

Wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdi Xasan Buuni oo ah ninka ugu da’da weyn xubnaha wasiirada ah ee shalay horyimi waxa uu u muuqday nin ka dareen ka qaba ama og xantiisa, sidaa darteed kaambaynka uu ugu jiray sidii loo ansixin lahaa soo gaadhsiiyey ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ay hawsha codayntu bilaabmaysay, taas oo ay duruuftu ku khasabtay inuu madasha fadhiga dhexdeeda ka ololeeyo, waayo markii ay xubnaha wasiirada ah ee la ansixinayaa ku soo xeroodeen hoolka shirarka ee fadhiga wakiilada ayuu gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Qaybe yidhi “Wasiirka xidhiidhka golayaasha ayaa naga codsaday inuu dhawr kelmadood yidhaahdo”, dabadeedna inkasta oo ay kooxo mudanayaal ahi waxoogaa sawaxan ah ka sameeyeen arintaa oo ay ku qayl-qayliyeen kelmado ay ka mid yihii “Taasi waa kaambayn”, hadana Cabdi Xasan Buuni cod-baahiyaha ayaa gacanta loo geliyey, ka dibna waxa uu ku tiraabay ereyo baryootan u muuqday, isaga oo yidhi “Waxa ii soo gaadhay hadalo odhanaya Cabdi Xasan Buuni ayaa golayaasha wax ka sheegay markii muddo kordhinta, markaa waxaan idin leeyahay hadalkaa laydin soo gaadhsiiyey raali ka ahaada, maantana wasiirkii xidhiidhka golayaasha ayaan ahay oo isku dan ayeynu nahay, waxaana ka shaqayn doonaa danihiinna”.

Marka la eego bilowgii mawduuca ansixinta xubnaha golaha wasiirada Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu ka mid ahaa xubnaha markiiba la soo tuuray hadal-hayntooda ee la lahaa waa lala hadhayaa, taasina waxay u dhacday sidii loo hadal-hayey, ka dib markii uu shalay madasha ka waayey codadkii uu ku ansaxmi lahaa, iyadoo ay mudanayaasha golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah kaga takhaluseen, waayo 70 mudane ee madasha fadhiyey waxa uu ka helay 23 cod oo keliya, taas oo xaddiga codadka ee uu helay ay xataa ka yar tahay saddex meelood oo meel tirada madasha fadhiday.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu kursi wasiirnimo ku fadhiyey muddo 12 sannadood ka badan, taasina waxay ka dhigaysaa wasiirka ugu cimriga ragga xilalka wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, isaga oo markii ugu horaysay Somaliland wasiir ka noqday bishii May 1993-kii, waqtigaas oo uu ka mid noqday golihii wasiirada ee uu madaxweyne Cigaal ku dhawaaqay markii lagu soo doortay shirkii Boorame, waxaana Cabdilaahi markii u horaysay laga dhigay wasiirka maaliyadda, laakiin mudadii uu xilka wasiirnimo hayey waxa uu soo maray wasaarado kala duduwan, isla markaana waxa Mr. Cabdilaahi waxa uu nin had iyo goor si firfircoon uga dhex-muuqda awoodaha maamul iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xukuumadda uu ka tirsan yahay, isla markaana Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay ragga ay colaadaha badan ee siyaasadeed u soo hoydeen mudadii ay kuraasta ku fadhiyeen, taasina ay keentay inuu had iyo goor tuurka siyaasaddu ku badnaado.

Dhawrkii maalmood ee uu socday mawduuca ansixinta golaha wasiirada madaxweyne Rayaale waxa madasha golaha wakiilada had iyo goor ku soo xooma kooxaha warfaafinta iyo qaar ka tirsan dadweynaha, sidaa darteed maalintii shalay intii aanu furmin fadhiga golaha wakiiladu waxa dadkii kaamboolka ka muuqday ka mid ahaa gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, wuxuuna intii uu meesha joogay ku tiraabayey weedho la xidhiidha mawduuca ansixinta wasiirada.

“Dawlad konton wasiir ah looma baahna, anaguna yeeli mayno”ayuu yidhi, Faysal Cali Waraabe, isaga oo dareenkiisa ka muujinaya sida uu u arko golaha wasiirada ee uu madaxweyne Rayaale magacaabay, waxaana la odhan karaa imaatinka Faysal ee xarunta golaha wakiiladu waxay u muuqatay inuu mudanayaasha golaha wakiilada ku dhiiri gelinayey inay rag badan oo wasiiro ah la hadhaan, laakiin Faysal intii uu halkaa joogay waxa uu hadallo karoox ah is-dhaafsadeen mid ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada. 

Top


Muranka Isa Sii Taraya Ee Xuduudaha Degmooyinka Galbeedka Somaliland Iyo Saamaynta Gebilay, Warbixin – weriyaha Haatuf ee Gebilay.

Gebilay (Haatuf) – Mudooyinkan dambe waxa isa soo taraya dhul-durugsi dhinaca xuduudaha ah oo ka soo fufaya degmooyinka yar yar ee sannadihii u dambeeyey la magacaabay, laakiin aan weli lahayn xuduudo rasmi ah oo qeexaya xuduudeheeda degmanimo, taasina waxay saamaysay degmada Gebilay oo ay degmooyinka yar yar ee laga magacaabay degaamada cidhifyada ka xiga ama degaamada horeba uga tirsanaan jiray, waxaana ka mid ah degmooyinkaa Daara-salaam, Allaybadday iyo Dilla, laakiin marka la eego muranka dhul-fidsiga ee saameeyey degmada Gebilay waxa jira qaar ka mid ah degmooyinkii hore oo arintan soo gelaya sida degmooyinka Lug-haya iyo Baki oo ka tirsan gobolka Awdal.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan-yare oo toddobaadkan booqday qaar ka mid ah degaamadaa ayaa warbixin nooga soo diray arintaa, waana tan warbixintii:

“Waxa jira olole ay hoosta ka wadaan maamulada degmooyinkaasi, taas oo ay baadi-goob ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen dhul ama degaamo ay maamulkooda ku fidiyaan, qaar ka mid ah degaamadan oo dhowaan socdaalo ku tegay, waxaana dadka degaamadaa kala sheekaystay sida ay arintaa u arkaan, isla markaana waxaan u kuur-galay sida uu dhaqdhaqaaqa caynkaas ahi u socdo.

Sida la ogyahay degmooyinka yar yar ee sannadihii ina dhaafay la magacaabay ilaa hadda looma samayn xuduudo rasmi ah, laakiin maamulada meelahaa ka jira iyo dadka degaamadaasiba si ay degmadoodu u hesho dhul ay xukunta waxay baadi-goob ugu jiraan sidii ay heli lahaayeen dhul degmadooda hoos yimaadda, balse ma jiro wax xeer ah oo ay taa u raacayaan, waxaadse moodaa in wadiiqada keliya ee taa loo marayaa ay tahay raad-raac qabiil, taas oo meelaha degaamada kale ah ee ay degan yihiin dadka degmadaa u badani la doonayo inay hoos yimaadaan degmada ay beeshu u badan tahay, iyaga oo doonaya dhul ay maamulkooda ku fidiyaan oo cashuur ka helaan.

Tusaale ahaan Degmada Daarasalaam waxay dadka qaar ii sheegeen inay doonayso inay maamulkeeda ku fidiso ilaa duleedka Arabsiyo oo ka tirsan degmada Gebilay.

Sidoo kale degmada Allaybadday oo hore uga tirsanaan jirtay degmada Gebilay waxa uu dhaqdhaqaaqa maamul ee degmada Allaybadday ku soo fidayaa tuulooyin ay ka mid yihiin, Taysa, Geed-abeera, Xidhinta ilaa duleedka galbeed ee Arabsiyo, meelahaasina waxay ka mid yihiin xuduudaha rasmiga ah ee degmada Gebilay, iyadoo markii la sameeyey degmooyinka cusub la jideeyey sharci dhigaya inay xuduudaha degmooyinka cusubi yihiin ilaa 5 KM dhinaca walba, taasina ay sidaa ahaanayso ilaa degmooyinkaa loo samaynayo xuduudo rasmi ah.

Degmada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal waxay ka mid tahay degmooyinka xuduudka la leh degmada Gebilay, iyadoo kala leh dhinaca waqooyi-galbeed, waxaana markii u horaysay degmonimo loo magacaabay siteetamaadkii, laakiin waxa dambe jiray muran dhinaca xuduudda ah oo u dhexeeya Gebilay iyo Baki, taas oo ay labada dhinac isku hayaan meelo ka mid ah dhul-beereedka Gelin-galool (Ceel-berdaale), taas oo ay reer Gebilay ku eedaynayaan reer Baki inay ku soo xad-gudbeen dhul qiyaastiisu gaadhayso ilaa 35KM oo gudaha xuduudda Gebilay ah, isla markaana waxa la ii sheegay inay booliska iyo shaqaalaha cashuuraha ee maamulka Lug-haya soo degeen degaamo ay ka mid yihiin, Cali-xaydh, Xamarta-hogeed iyo tuulooyin yar yar, sida Edegga, Hadhley iyo Jimciyadda oo awel hore hoos imman jiray degmada Gebilay. Sidoo kale waxa kale oo dareenka muranka xuduuduhu ka jiraa jiido u dhexeeya Lug-haya iyo Gebilay, meelahaas oo wixii sannadihii toddobaatameeyadii ka dambeeyey ka tirsanaa degaamada Gebilay, laakiin wixii mudadaa ka horeeyey ka horeeyey ka tirsanaan jiray degmada Gebilay.

Waxa kale oo uu degmada Gebilay muran dhinaca xuduudka ahi ka dhexeeyaa degmada Dilla oo ka tirsan gobolka Awdal, kana mid ah degmooyinkii dhowaan la magacaabay, iyadoo ay Dilla iyo Gebilay xad-wadaag ka yihiin dhinaca galbeed.

Tusaale ahaan toddobaadkii aynu ka soo gudubnay waxay maamulka dawladda hoose ee degmada Dilla xabsiga u taxaabeen 5 qof oo ka mid ah beeralayda degaanka Kalabaydh, ka dib markii ay cashuur ka waydiiyeen beerahooda, balse ay tuseen jiiwano cashuur ah oo ay ka qaaday dawladda hoose ee Gebilay, arintaasina waxay ka cadhaysiisay maamulka degmada Gebilay, wuxuuna maayar-xigeenka Gebilay, Maxamed X. Ibraahin ii sheegay inay dacwad arintaa ku saabsan u gudbin doonaan wasaaradda daakhiliga iyo xukuumadda dhexe, iyaga oo maamulka degmada Dilla ku eedaynaya inay ku soo xad-gudbeen xuduudka degmada Gebilay.

Qaar ka mid ah odayaasha degmada Gebilay oo ay ka mid yihiin rag maayaro ka ahaan jiray degmada ayaa ii sheegay inay xad-gudubyada dhinaca xuduudaha ee ay tirsanayaan marar badan dacwado uga gudbiyeen xukuumadda iyo hogaanka sare ee dalka, sida madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, laakiin bay yidhaahdeen aan ilaa hadda waxba laga qaban. Laakiin arinta ugu weyn ee mushkiladda sii xoojinaysaa waxay tahay xuduudaha aan sugnayn ee degmooyinka, gaar ahaan degmooyinkii badnaa ee dhowaan la magacaabay, taasna waxa laga sugayaa wasaaradda arimaha gudaha oo arimahan ku shaqo leh, taas oo loo baahan yahay inay dhakhso wax uga qabato si aanay mushkiladdu u sii hulaaqmin”.

Top


Iyadoo sidii oohin iyo dhaar isugu dhafaysa ayay labbis isku boobtay..

Iyadoo sidii oohin iyo dhaar isugu dhafaysa ayay labbis isku boobtay.. Waqtigaas oo kale maskaxda aadmigu si waalan bay u shaqay saa. Daqiiqad gudeheed bay Geeddi wax waliba ku soo dheceen.

'Hadday hadda boliis kuu keento maxaa dhacaya! Kolley waa fool-xumo! Laakiin xagee bay waqtigan boliis ka gaadhaysaa!Ciyaal-suuq iyo budhcad baa dhexda ka heli doona. Tolow ma ka dhab baa in ay xilligaas baxdo? Qofkan waad taqaan. Mar hadday is madax marto wax waliba way ka suurtoobaan. Intii iyada aalkoliistayaasha iyo ciyaala. suuqaad ogeyd fara xurnayn lahaayeen adiga dhaxantu ha ku disho, dheg xumadaa kaga darane' ayuu go'aansaday. Degdeg buu u labbistey. Iyadoo weli kabo dhaxameed daydayeysa ayuu cod deggen ku yidhi: "anaa kaa baxayee iska dhig dharka, waxba ha is waaline. Waxa lagaa celcelinayaa sow ma ' aha in aan kaa tago? Sow intaas uun ma aha , waxa lagaa horjoogaa? Balan baan kuugu qaaday in aanad dib dambe ii arag! Nabadgelyo!"

Markuu dhulka u degey bay luguhu dirgan waayeen. 'Dhankee baad u dhaqaaqdaa!' Habee ma-naxa ah ayaa qowlallo madmadow afka ku soo kala qabtay.. Hugun baas baa hareeraha uga sanqadhay.. Wuxuu dareemayaa sidii qof badweyn mugdi ah af nibiri lagu tuuray.. Wuxuu dib u jalleecay daartii weyneyd ee uu ka deggenaa dabaqa sagaalaad.. Darbad xagaa baa dhimbilo dhaxameed oon roob iyo baraf loo kala garan karin wajiga kaga dharbaaxday.. Dalambaabigii buu darbi ku dhawaa cuskaday.

Waa xaafad ka kooban dhismayaal waaweyn oo is dhex daadsan. sidii saxaarado baasto oo ka daatay baabuur gaddoomay. Habeenkii waxay u egtahay kayn bahal- galeen ah. Inta dadku soo jeedo luuqyada iyo daaraha waaweyn dhexdooda waxaa yara ifiya kaaha ka soo dusaya daaqadaha furan. Saacaddan oo kalese daaqad furan. nal daaran iyo nafley dhaqdhaqaaqaysa midna ma jiraan. Qaboobaha xagaaga mar hadduu gabbalku dhaco qofna kuma dhiirrado in uu ka dhex baxo aqalkiisa diirran.

La soco.

Top


Caafimaadka Iyo Daawooyinka, Maxaad Ka Taqaan Cudurka AIDS-Ka? Q:2aad

Dr. Maxamed X. Daahir.

Qaybtii hore waxaan kaga hadalnay lidka fayraska HIV iyo muddada loo yaqaan “Incubation period” oo ah muddada u jidhku u baahan yahay inuu ku sameeyo lidka HIV. Haddaba waxa iyana ku xigta muddada aan astaamaha lahayn, taas oo ah muddada u dhaxaysa marka u qofku ku aafoobo fayraska HIV iyo bilawga muuqashada astaamaha la xidhiidha cudurka eydhiska, muddadaasina dadka way ku kala duwantahay marka aynu ka hadlayno fayraska HIV iyo eydhiska, waxana dhici karta inay noqoto muddo aad u gaaban oo aan ka badnayn lix bilood, ama waxay noqon kartaa mid dheer oo gaadhi karta toban sanadood ama in ka badan, laakiinse dadka badankiisa waxay qaadataa dhawr sanadood, waxaanay badanaa yeeshaan astaanta loo yaqaan “lymph adenopathy” dabadeedna waxa ku bilaabma dildilaac afka ah, dhidid habeenkii ah, xumad badan, kuwaas oo socada dhawr sanadood ilaa u muuqanayo sawirka runta ah ee cudurka eydhisku, kaas oo keena dhimasho muddo yar oo lix bilood ilaa laba sanadood gudohood ah. Muddada aan astaamaha lahayn qofku wuu qabaa aafada eydhiska waanu u gudbin karaa dad kale sida muddada hore ee “incubation period”.

Way adagtahay in si dhib yar loo garto astamaha eydhiska inay run ahaantii yihiin bilawgii cudurka iyo inay yihiin uun astaamo cudurro kale. Dadka qaarkii waxa ku soo baxa calaamadaha fayraska HIV ee iyaga u gaarka ah intaanay soo bixin calaamadaha ama astaamaha eydhisku kuwaas oo muuqda marxaladda ugu dambaysa cudurka oo ah ta ugu khatar badan marxaladaha u qofku soo maro kuna dhammaata dhimasho. Calaamadahha qofka ka muuqdaa waxay daliil u yihiin inay jiraan cudurro intihaasi ah sida qaaxada TB ama infection ku yimaada sambabada waxana kuwaa soo raaci kara qofka oo miisaankiisu hoos u dhaco iyadoon sababtiisa la garanayn, xumad haysa muddo bilo ah, shuban socda muddo bil ka badan, dildilaac ku yimaasda xubnaha taranka, duri socda muddo bil ka badan, dareemayaasha oo u qofku ka cawdo iyo aafooyin maqarka ku dhaca oo soo noqnoqda.

Waxa jira dawooyin wax ka tara cudurrada eydhiska la socda, hase yeeshee kuwaasi ma daweeyaan eydhiska e waxa laga yaabaa inay woxoogaa qofka cimriga u dheereyaan. Dawooyin tiro yar ayaa suurto geliyay inay joojiyaan taranka fayraska HIV, kuwaasina jidhka kama baabiiyaan fayraska, laakiin wax yar ayay cimriga qofka dheerayn karaan. Ilaa hadda waxa la saadaaliyaa in la helo talaal lagaga hortago cudurka eydhiska, hasa yeeshee waxaa laga baqayaa inuu faraska laftiisu is bedbeddel sameeyo muddo ka bacdi, markaas iyadoo arrintaa baadhitaanno badan laga wado hadana rajo weyn lagama qabo in la helo tallaal wax-ku-ool mustaqbalka dhow.

Fayraska HIV sideebuu dadku ugu aafoobaa?

Fayraska HIV waxa u geli karaa dareerayaasha jidhka sida dhiigga, shahwadda, waxaalaha ka soo baxa ilma-galeenka, iyo caanaha naasaha.

Fal kasta oo suurto gelin kara inuu fayrasku ka gudbo maqaarka oo u gudbo dhiigga qof kale waxa laga yaabaa inuu sababo aafada fayraska HIV.

Maqaarku wuxuu jidhka daka uga dhigan yahay gaashaan ka celiya inay gudihiisa u gudbaan geermiska iyo fayrasyadu, laakiin haddii ay maqaarka ku dhacaan nabarro ama dildilaac waxa suurto gal ah inuu fayrasku ka gudbo.

Fayraska HIV wuxuu qof uga gudbi karaa qof kale marka ay dhacaan waxyaalaha soo socda: -
Marka ay is taabtaan shahwadda iyo dheecaannada ilma galeenka ee qof qaba fayraska wuxuu u gudbi kara dhiigga qofka kale.

Marka dhiig aafaysan qof kale lagu shubo.

Marka ay makiinad ama irbad leh dhiig qof aafada qabaa ay sarto ama muddo qof kale. Dadka mukhadaraadka isticmaala ee wadaaga irbadaha la isku mudaa waxay halis u yihiin inay ku aafoobaan fayraska HIV.

Waxa kale oo iyana suurto gal ah in haweenayda uurka lihi haddii ay fayraska qabto ay ilmeheeda u gudbiso intuu uurkeeda ku jiro ama marka ay umusho ka bacdi haddii ay naaska jaqsiiso.

La soco.

Top


Khilaaf Ka Dhex Oogmay C/Laahi Yuusuf Iyo Ku Xigeenkiisa.

Boosaaso- madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf iyo ku xigeenkiisa Max'ed Cabdi Xaashi ayaa waxa soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay isku beddel la damcay in lagu sameeyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada, taasoo markii dambe keentay in labada nin ay is dhaafsadaan wareegtooyin is burinaya.

Top


Talyaaniga Oo Dedaal Ugu Jira Xakamaynta Dadka Soo-Geleetiga

Roma (W. Wararka): Dawladda Talyaaniga waxay wadaa dadaal ku jeeda sidii loo xakameyn lahaa soo galowga bilaa sharciga ah.

Waxaana ay aamisan tahay in sida kaliya ee wax looga qaban karo inay tahay, iyadoo dalalka ay ka yimadaan iyo kuwa ay ku socdaan dadka bilaa sharciga, ay si wadajir uga qaybgalaan, ladagaalanka iyo cidhibtirka budhcadda ka ganacsata xambaarka aadanaha.

Sidaasi darteed, ayaa wasiirka arrimaha gudaha Giuseppe Pisanu waxaa u bilaabay in uu la tashiyo la yeesho, wakiilo ka socda dalalka uu saameyo soo galowga aan sharciyeysneyn.

Waxaana kulankii u dambeeyey uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Spagna, Angel Acebes Paniagua.

Waxaana wasiirka Talyaanigu uu kulankaasi ku soo bandhigay, qorshe loogu magacdaray Nettuno, oo ku jeeda ka hortagga doomaha sida muhaajiriin bilaa sharciga ah ee isaga kala gudba xeebaha koonfureed iyo kuwa waqooyiga ee badda Mediterraneo.

Qorshaasina waxa la filayaa in labo loo kala qeybiyo badda Mediterraneo, dhinaca bari waxaa saldhig looga dhigi doona jasiiradda Qubrus, halkaasi oo taladu tahay in laga sameeyo xero la dajiyo dadka bilaa sharciga ah, baddana ilaaleedana loo xilsaaro talis hoos yimaada Britain.

Dhinaca galbeed ee Mediterreaneo isuduwideedain loo dhiibo Spain. Maalmaha soo socda Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga waxa uu u ambabaxidoona jasiiradaha badda Meditrreaneo ku yaal ee kala ah Malta iyo Qubrus, si uu qorshahiisa uu ugu soo bandhigo mas'uuliyiinta dalalkaasi.

Bishan Luulyo horanteedina wakiilka dawladda Talyaaniga waxa uu tagay magaalada Tripoli, halkaasi oo ay Talyaaniga iyo Liibiya ku kala saxeexdeen heshiis iskaashi ah oo ku saabsan ladagaalanka budhcadda ka ganacsata xambaarka.

Hase yeeshee, inkastoo uu yaraaday qulqulkii bilihi ka horreyey May iyo Juun, ayaa haddana waxaa aan jogsanin dooniyaha sida dadka tahriibka ah ee soo gaadhaya xeebaha Talyaaniga.

Doonti u dambeysay, waxaa habeenkii u dhexeeyey Sabtidii iyo Axaddii, xeebaha jasiiradda Pantelleria oo konfur ka sii xigta jasiiradda Sicilia ay ku dajisay 73 qof oo Afrikaan ah.

Boliiska Talyaaniga ayaana dadkaasi ku arkay oo ka soo qabqabtay jidadka jasiiradda.

Hase yeeshee, waxaa aan il la saarin oo la garaneynin meel ay ka baxday, doonti keentay dadkaasi, oo loo maleynayo in ay dib ugu laabtay meeshi markii horeba ay ka timid.
 

Top


700 Qof Oo Ku Dhintay Dagaalada Cirka Isku Shareeray Ee Liberia

Manrovia (W.wararka) Dagaallo culus ayaa si isdaba joog ah uga socda magaalada Monrovia oo haatan galey maalintii afaraad, iyadoo ay soo baxayaan degniino ka dardaar warinay khatar aadaminimo oo dalkaas ku soo foolle.

Kooxaha mucaaradka ah ee Liberia ayaa kuwa dowladda Charles Taylor kula dagaalmaya dekedda magaalada ku dhex taal, kaas oo ah dagaalkii saddexaad ee caasimadda ka dhaca muddo laba bilood gudahood ah.
Wasiirka Gaashaan Dhigga ee Liberia Daniel Chea ayaa sheegey in ugu yaraan 700 oo qof lagu dilay dagaaladan cusub, laakiin shaqaalha arimaha aadaminimo waxa ay tirada dadka dhintey ku qiyaaseen ilaa 100 qof oo kaliya.

Dhinaca kale, madaxda waddamada Afrikada Galbeed ayaa ku kulmaya caasimadda Senegal ee ee Dakar, si ay uga wada xaajoodaan codsiga ay dowladda Liberia ku dalbatey in waddankeeda lagu geeyo ciidamo nabad ilaalin ah.

Top


Bush Oo Mar Kale Eedeeyey Dalalka Iiraan Iyo Siiriya.

Bush Oo Mar Kale Eedeeyey Dalalka Iiraan Iyo Siiriya

Washington (W.wararka) Madaxweyne Bush ayaa cusbooneysiiyay eedeymihiisa dalalka Iraan iyo Suuriya, waxuuna labadaas dalka ku tilmaamay in garab siiyaan argagixisada.

Madaxweyne Bush ayaa sheegay in dhaqanka labadaas dal uuna aheyn mid marnaba loo dulqaadan karo.

Mr. Bush waxaa kale oo uu sheegay in labadaasi dal ay yareysanayaan dadaalka nabadeed ee laga wado Barigga dhexe, waxayna lugoynayaan, buu yidhi, danaha dhabta ah ee dadka Falastiiniyiinta.

Waxaa uu intaa ku daray madaxweynuhu, in dalalka taageera argagixisada ay masuul ka noqon doonaan tilaabooyinkooda.

Madaxweyne Bush oo ka hadlaya gurigiisa ku yaala Taxes ka dib markii uu kulan la yeeshay Ra'iisal Wasaaraha Talyaaniga, Silvio Berlusconi, oo islma markaana xiligan haya madaxnimada wareegta ee Ururka Midowga Yurub.

Mr. Berlusconi ayaa ku baaqay in midowga u dhexeeya dalalka Yurub iyo dowladda Mareykanka la sii balaadhiyo.

Mr. Berlusconi waxaa uu aad u taageeray dagaalkii ka dhanka ahaa Saddaam Xuseen iyadoo dad badan oo Talyaani ah ay ka soo horjeedaan dagaalkaasi.

Top


Munaasabad loogu dabaaldagay dhalashada Nelson Mandella

Johansburg (W. Wararka) Hogaamiyihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nilson Mandela ayaa Sabtidii u dabaaldagey dhalasadiisii 85-aad, waxaana uu munaasabadan xuskeeda ku qaatay gurigiisa oo ku yaala magaala Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Sidoo kale waxaa xuska sanad guurdan kala qeyb qaadatay xaaskiisi Garca Machel, iyo carruurtiisi iyo carruurta ay sii dhaleen.

Dadka ka soo qeyb galey xafladdan waxay isugu jireen dad caan ah iyo mari shar kale, waxaana ka mid ahaa wadaadka weyn ee shaqada ka fadhiisay, Desmond Tutu iyo John Cusack oo ah jilaa weyn oo Mareykan ah, iyo koox muusiga garaacda oo la yidhaahdo U2.

Nelson Mandela oo u dabaaldagaya sandka dhalashadiisa ee sideetan iyo shanaad ayaa masraxa la soo istaa gay Hillary Clinton. Ka dibna waxaa iyana masraxa isla soo istaagay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton iyo xaaska Nelson Mandeela. Bill Clinton waxaa uu yimid uu khudbad ka jeediyo munaasabadda loo qabtay Nelson Mandella.

Clinton waxaa uu bartimaameed ka dhigtay dhibaatada Aids-ka ee Afrika, waxaa kale oo ka hadlay qorshe seddex waji ah oo qaarada Afirka lagaga saarayo Saboolnimada. Waxuu yidhi, "Hadiyada ugu wanaagsan ee dhalasho la isku siiyoo ee aan siin karno Nelson Mandela waxaa weeye iyadoo la balaadhiyo balanqaadyada lana yareeyo dhibaatooyinka ka jira dalka Kuufur Afrika, qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale."

Clinton oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu bogaadin u jeediyay madaxweynihii hore koofur Afrika, Nelson Mandella waxuuna yidhi,"Intii aan noolaa laba shaqsi uun baa howl weyn oo u gaar ah qabtay, iyagoo shacuubtooda ku hogaaminayey duni ay siyaasadeedu dheeli tirneyn oo hagardaamo badan. Labadaasi nin waxay kala yihiin Mhatma Gandhi, iyo ninka istaahila ee wadadiisa marey Nalson Madela."

Hadiyada aan dhamaaneyn ee Nelson Mandella uu hibeeyey Koofur Afrika waxaa weeye sida uu u awooday in uu u mideeyo dalka. Waxaana taas loo arkaa in ay tahay sharaf dhab ah oo istaahisha in caawa cashadan la isku casuumo loogu dabaaldagayo dhalashadiisa. Liiska martida ka soo qeybgaleysa xaflada oo in mudo ahba sir ahaa waxaa ku jira, Naomi Compbell, boqorad Beeatrix ee dalka Neitherland iyo Richard Branson
Guud ahaan hogaamiyeyaasha caalamka iyo dadka u olloleeeya nabada ayaa waxey tahniyad u direen Nilson Mandela oo ah nin ay taariikh-du xustay halgankiisii dheeraa ee kula dirirayey gumeystihii ku dhisnaa midab kala sooca ee ka talin jiray dalkaasi muddo fog.

Nilson Mandela halgankaasi dheer uu galay xorriyada iyo sinaanta waxaa uu ku kasbaday inuu hello abaalmarinta nabada caalamiga ah ee Nobile price oo sanadkiiba mar laga baxiyo dalka Norway.

Top


Shaqsiyadda Hadraawi iyo Socdaalkii Nabadda.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waa maansoole ka mid ah hal-abuurayaasha ugu waaweyn, uguna magaca dheer suugaanyahanka soomaalida ee casrigan. Waa hal-door aqoonyahan ah oo ku fogaadey, kuna talax-tegey oo ku dhex xasilay culuunta bulshada. Waxa uu Hadraawi ku xeel dheer yahay oo uu halkooda ugu tegey awaale-warranka iyo hoga-tuska maanseed ee dhaqan ilaalinta, hidde madhxinta iyo xaqiijinta yiqiineed ee ummadda iyo weliba ku dhaadashada dhigaalladeeda iyo qabitaannadeeda.

Hadraawi waxa uu beryahan dambe socod loogu wanqalay Socdaalkii Nabadda ku marayaa dhulka ay soomaalidu degto, gaar-ahaan meelo ka mid ah gobolada koonfurta oo dagaallo sokeeye iyo colaado sii sokeeyaa u kala dambeeyeen oo hafiyeen, welina meelaha qaar ay ka sii dhisaalan yihiin. Haddaba waxa aanu qormadan maanta ku eegi doonnaa Hadraawi iyo shaqsiyaddiisa.

In la suureeyo, faaqidaadna lagu eego oo la faalleeyo shaqsiyadda qof caan ahi inta badan waxa ay u muuqataa arrin aan fududayn oo aan lagu dhiirran karin, waxase qiime ballaadhan ku salaysmi karta falanqayntaas oo ah soo bandhig ku saabsan sawirka shaqsiyaddaasi ay yeelan karto. M. I. Warsame Hadraawi marka dib loo milicsado ee hoos loo dhugto taariikh-nololeedkiisa qofnimo iyo wax-soo- saarkiisa hal-abuurnimo, ayaa waxa kuu bidhaamaysa miigganaanta shaqsiyaddiisa qofnimo iyo mug-weynida hal-abuurkiisa abwaannimo.

Hadraawi maaha nin u hadal badan sida magaciisa laga dhadhansan karo ama maansooyinkiisa lagala soo dhex bixi karo. Fagaarayaasha caadiga ah ee kulamada isu baanidda iyo gole-ka-fuulka ee nin toocsiga ah, ayaa waxa hadiyo jeer dad badani ay Hadraawi ka quuddarreeyaan in uu golaha markiisa ka baano oo ereygiisa ku darsado, asxaabtiisa ayaana qod-qodda si uu u hadlo. Qofka aan Hadraawi aqoonta shaqsiga ah u lahayn ee ay markaas ugu horrayso muuqiisa, ayaa waxa uu la yaabaa oo isugu xidhmi waaya dacallo fidsanaanta ama ballaadhnida qarada maansadiisa iyo koobnaanta erey afeedkiisa xilliyadaas gole-ka-baanka.
Sida uu ereygiisu u urursan yahay ayaa Hadraawi uu addinkiisuna u xaddidan yahay, waxana taas asxaabtiisa gaarka ahi ugu bixiyeen naanaysta GEED.

Shaqsiyadda Maxamed Ibraahim Warsame waxa u taagan maansadiisa iyo duxda macnaheeda. Fal-dhaca hab dhaqanka qofnimo ee Hadraawi iyo ujeeddada ama nuxurka erey maanseedkiisu waa laba isir oo xaqiiqdii is ceshada, isu dhigma oo isugu sidkan sida hal iyo nirigteed ama isugu ladhan sida ul iyo diirkeed oo aan la kala saafi karin. Marka aad Hadraawi qof ahaan si wanaagsan u taqaano, dhuuxdana maansadiisa ee aad isku dhereriso sida uu u macaamilo ama u nool yahay iyo meerisyada beydadkiisa maanseed, waxa kuu soo baxaya wax isku mid ah ama isu eg oo aan la kala sooci karin. Sidaas darteed waxa la odhan karaa Hadraawi shaqsiyadiisu waa maansadiisa, halka ay maansaduna isagii uun (Hadraawi) ay ka noqonayso. Waa tan arrinta sababaysaa in lagu nuux-nuuxsado oo la tilmaamo in Hadraawi uu ku guulaystey hanashada in uu is waafajiyo hab dhaqankiisa qofnimo iyo ereygiisa hal-abuurnimo. Qawlka uu leeyahay waxa ka muuqda isaga laftiisii (Hadraawi) iyo dhaqankiisa. Sugashada sifadan wacan iyo sidashada awooddaas, waxa inta badan ka gaabiya ama ku guul-darraysta hal-abuur fara badan oo ereygooda iyo dhaqankoodu ay kala daaq tagaan, iskana horyimaaddaan oo is buriyaan.

Docda kale mawaaqifta, qabitaannada, fikirka adduun-aragga Hadraawi iyo wax soo saarkiisa suugaaneedba waxa ay ka samata-baxeen oo ka badbaadeen dalaa-dhac iyo laba gar-daymood u dhigma beerka jecli; xaydha jantay. Ma soo foodsaarin Hadraawi jahawareer noocaas ahi, taas oo ah xogta ka badbaadisey is beenin ama is burin surma-seegto ku keenta oo ka leexisa marinka higsiga iyo himilooyinka hirashadiisa. Waxa maansada iyo magaciisuba caan baxsan yihiin oo bulshada ka dhex ciidaminayaan in ka badan soddon sannadood, waxana aragtidiisa shaqsi ahaaneed iyo midhaha hal-abuurkiisuba ku astaysmayaan oo budulka raadkoodu cagta saarayaa tubta koboca iyo korodhsiga sed-u-burineed ee heerka qaan-gaadhnimada iyo gaamuritaanka. Sidaas darteed laguma tilmaami karo Hadraawi inuu yahay abwaan keliya, waxase loo hibeyn karaa inuu yahay macallin looga dab qaadan karo oo lagaga dayan karo dugsashada inta wanaagsan, la jirka inta samaanta la hal maasha iyo ka horjeedka inta xumaan ku abtirsata.

Damiirka iyo mawqifka shaqsi ee Hadraawi ma ogolaadaan in wax tanaasulaad ah laga sameeyo la jiridda samaanta iyo bidhaansiga xaqa, mana yeelaan in wax gorgortan ah lala galo xumaanta iyo u irkashada dulmiga. Arrintan waxa inta badan ka hadasha maansadiisa, waxana si gaar ah u taabtay oo xambaaray, soona celceliyey meerisyo badan oo tixihiisa ka mid ah. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa tuducyo ka mid ah Gabaygii Durdur (1970) :

Inay dunidu hawl tahay sidii
Daayinkuba sheegay
In dedaalku dhaxal waara yahay
Duugna laga dheefo
Inuu samuhu door dhalo hadday
Daacadnimo raacdo
Oy dhaqasho ruux doona tahay
Dib u xusuusnaada.
Isla Durdur waxa uu beydad ku lahaa:
Inkastaad dabbaashiyo taqaan
Duurka xuliddiisa
Ood dabin ka bood tahay nimaan
Cidi dareemaynin
Waxa daadka lagu dhaafayaa
Daacaddoo qudhahe.
Riwaayaddii Aqoon iyo af-garad(1972) waxay iftiiminaysaa iilashada dulmiga iyo awoodda daacadnimada (xaqa).
Allahayow nin daacad ah
Allahayow nin daalin ah
Deeqdaada haw simin.
Deelleydii (1980)
Qofba wuxu ku dagan yahay
Halkuu daacad kaga hadho.

Inta ugu badan maansooyinka Hadraawi waxa laga dhex helayaa tuducyo gar-naqsi mudduc iyo maddaacaley ah, waxana uu ugu gar-qaadayaa xaqa iyo baadilka, samaha iyo xumaha, daacadnimada iyo daacad-darrada iwm.. kelmedda daacadnimo ee beydadka sare ku celcelinteedu ku soo noqnoqonayso waxa ay baadi sooc u tahay oo ay tilmaantaa falsamaanta, waana muftaaxa hawl kasta oo la qabanayo.

Maxamed Ibraahim (Hadraawi) waxa u caado ah in uu isku mashquuliyo oo had iyo goor fiirfiirin ugu daymo-fogaado oo dhex muquuro ubucda adduunka iyo jiritaankeeda, abuurta iyo bilicdeeda aanay ishu keligeed itaalka u lahayn in ay gaadho ee ay akhriyaan dareemayaasha kale ee maanku uu ka mid yahay. Waxa uu halkaas kala soo noqdaa dareen dhiillo- sideen ah oo uu kaga warramayo sida loo diley bilicdii dunida iyo sida abuurteedii loogu xad-gudbayo, isaga oo inagu durraamanaya in falsamaanta dunida iyo jiritaankeeda la dhawro, in la ilaaliyo inta guudkeeda saaran iyo inta ubucdeeda jiifta, nabad gelyada iyo qiimaha weedha-san; ereyga wanaagsan, iyo garashada oo iyadu ah halbowlihii intaasba u qaabilsanaa arrimaha maamulka, maaraynta iyo jaangoynta. Arrintan waxa uu maansayahanku si durugsan ugu iftiiminayaa tixdiisa Sirta Nolosha (1986) iyo maansooyinkiisa tub-beegsiga cusub oo ah suugaantiisa intii ka dambaysey Gabaygii Gudgude ee 1990kii. Bal aynu iyana ku dul hakanno tuducyo ka mid ah maansada Sirta Nolosha oo abuurta ka hadlaya:

Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda
Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey
Dadka saaran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.
Allow yaa su’aashaasi
Sida ay u tahay yeela!

Miigganaanta shaqsiyaddiisa milaaxda wanaagsan iyo mintidnimada hal-abuurkiisa qayuuriga ah; sama-doonnimadiisa iyo xumo-diidnimadiisa; gudboonaan raadintiisa iyo quudhsi-diidkiisa; guud ahaan xaq u hiilintiisa iyo baaddil la dagaalankiisa, intaasba waxa uu Hadraawi ka dhaxlayaa oo ku mutaysanayaa jacayl iyo nacayb; nasteex iyo cadaawe mar keliya dushiisa ku wada dhacaya, kuna loolamaya oo uu yeesho. Waxa kale oo uu ku mutaysanayaa boogaadin iyo canbaarayn iyana mar keliya wada haleela qofnimadiisa iyo maansadiisaba. Tani maaha wax la yaab leh, waayo waa dhacdo laga rajeeyo oo laga fili karo meel kasta oo xaq iyo baaddil ay ku hirdamayaan iyo cid kasta oo u soo ban baxda la kala safashada samaha iyo xumaha, weliba maanta waxa miisaanku jiraa dhankii xumaha oo sama-dawdarka ayaa badan. Sidaas darteed ayaa samaha iyo cidda isu soo taagtaa waxa ay noqdaan “Tuke baal cad”.

Socdaalka Nabad-doonka ah ee Hadraawi ugu kicitimay gobolada koonfureed waxa uu baadi-sooc u noqon karaa dareenka laabta la soo kacaya ee horseedka u ah Dib-u-Nabadaynta Soomaaliya iyo Doorka Bulshada Rayadka ah, gaar ahaan kaalinta maskax-maalka iyo suugaanyahanka soomaalida, Hadraawina waa hormoodkii dadaalkaas oo qof kasta uu xil-weyni ka saaran yahay.

Maxamed Bashe X. Xasan.

Mohamedbashe@hotmail.com

Top


Maraykanka Oo Sheegay Inay Dileen Labadii Wiil Ee Uu Dhalay Sadaam Xuseen Iyo Askar Ameerikaan Ah Oo La Laayey.

Baqdaad (W. Wararka): Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dishay labadii wiil ee uu dhalay hogaamiyihii hore Ciraaq Sadaam Xuseen, sidaana waxa habeenkii xalay sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku sugan.

Sida uu afhayeenkaasi sheegay waxa la dilay wiilasha Sadaam ka dib markii ay ciidamada Maraykanku xoog ku galeen guri ku yaal magaalada Muusal oo ku taal waqooyiga Ciraaq, isla markaana waxa uu afhayeenkani intaa ku daray inay ciidamada Maraykanku gacanta ku dhigeen dad badan oo ka mid ah, taageerayaasha Sadaam Xuseen oo gurigaa ku dhuumanayey.
Waxa kale oo uu afhayeenku sheegay in dadka la qab-qabtay ay ku jiraan dad uu maraykanku aad u doon-doonayey, isla markaana gurigan ay weerareen ka dib markii ay ku war heleen ciidamadoodu in wiilasha uu dhalay Sadaam Xuseen ay halkaa ku dhuumanayaan, taas oo ay ujeedada ciidamada Maraykanku ahayd inay nolol ku qabtaan wiilasha Sadaam Xuseen, laakiin waxa loo malaynayaa inay ku dhinteen rasaastii halkaa la isku weydaarsaday, laakiin sida ay sheegeen dad goob joog ahi hawlgalka ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen gurigaa, waxa uu ahaa mid ay kala kulmeen iska caabin xoog leh oo kaga yimi ciraaqiyiinta hubaysan, taas oo keentay in saddex askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanku ay halkaa ku dhintaan, laba kalena ay ku dhaawacmaan, sidaa darteed iska caabinta ay ciidamada Maraykanku halkaa kala kulmeen waxay sababtay inay gurmad dalbadaan, ka dibna waxaa u soo gurmaday ciidamo dheeraad ah oo adeegsana hub culus iyo diyaaradaha dagaalka, iyada oo ay diyaaradaha Maraykanku duqeyn xoog leh ku sameeyeen jiidda uu gurigaasi ku yaalo, laakiin duqeynta diyaaradaha Maraykanku kuma ekayn guriga ay bartilmaameedka ka dhigteen oo kaliya, ee waxay ciidamada Maraykanku burburiyeen dhismayaal kale oo ka mid ah xaafadda uu gurigaasi ku yaalay.

Inkasta oo uu afhayeenku sidaa sheegay ma jiraan weli warar madax banaan oo arrintaa xaqiijinayaa, balse ciidamada Maraykanka oo mudooyinkan dambe aad u xoojiyey baadi-goobka ay ugu jiraan Sadaam Xuseen iyo wiilashiisa oo ah bartilmaameedka ugu weyn ee ay higsanayaan ciidamada Maraykanku inta aanay ka bixin Ciraaq inay ku guulaystaan qabashadooda ayey wararku sheegayaan in sida uu afhayeenku sheegay u fududayn dilkoodu, maadaama aan marka horeba la garaynayn halka ay marka horeba joogaan, isla markaana Sadaam Xuseen iyo wiilashiisu waxay leeyihiin taageerayaal badan oo hubaysan, kuwaas oo ay adagtahay sida loogu dhaafaa.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:  Guurku Ma Ganacsi Buu Noqday?

Aniga oo aan jeclayn inaan khaladka saaro labada lamaane ee is guursanaya ee haddana kala tagaya midna, waxaan jecelahay inaan si guud uga waramo ama uga talo siiyo dhalinyarada ku tala jira inay haatan guursadaan.

Waxa beryahan dambe aad u batay furiinka lamaanaha kaasi oo lagu tilmaami karo burbur ku dhacay bulshadii, markasta oo furiinku badato, waxa bata xumaanta iyo burburka bulshada dhexdeeda, markasta oo guurku batana waxa bata wanaaga iyo dhisnaanta bulshada, haddaba aniga oo aan khabiir ku ahayn sababaha had iyo jeer keena furniinka ayaa waxaan aad u waraystay dad badan oo guryahoodii uu burburiyey khilaaf aan u qalmin ama aan sidaa u weyneyn, waxaanay u badnaayeen waxyaabaha had iyo jeer lagu kala boodo labada qof oo aan midna danaynayn qiimaha uu guurku leeyahay, oo aad moodo inay marka horeba u dagaal ka dhaxeeyey, oo ubadkii iyo is-weheshigii adduunka la iskaba ilaawo, haddaba talada aan siinayo lamaanuhu waxay tahay:

Waxaad ogaataan inaad tihiin labada qof ee aan marnaba is-nici doonin, haddii aad ogaataan qiimaha oo uu leeyahay guurku, walaalayaal laba qof oo guri samaystay kolay khilaaf wuu dhex imanayaa, laakiinse waa in la is-weydiiyo oo la xaliyo, xalna laga gaadho.

Qofka khaladka lihi waa inuu qofka kale raali geliyo oo uu ku dedaalo inaanu khaladkaasi dib dambe u dhicin, haddaba akhristow, wuxuu dareemi karaa qofka la soo hordhigay khaladkiisii, waa su’aal muhiim ah, wuxuu dareemayaa in lamaanihiisii aanu raali ahayn, inay ku kala tagaan ama burburiyaan gurigooda, waxa muxubo gelaysaa labada lamaane, markuu qiimeeyo qofba qofka kale,oo aan weliba si qoto dheer lagu dejiyo qofka cadhooda.

Gebagebadii waxaad ogaataan lamaanaw, qof waliba haddii uu helayo qof uu ka helo tixgelinta uu markaa tebayo, inaan waxba xumaadeen, mana jiro wax hagaagayaa haddaan la kala roonaan, oo aan la isku dulqaadan wixii la kala tabanayo, sidaa darteed qof waliba waa inuu isku dayo inuu qofkale iintiisa asturo.

Siciid Xiis Cabdi (Indho).

Hargeysa.

Top


Meeday Dimuqraadiyaddii Aynu Ku Dhawaaqnay?

Waxaa wax laga argagaxo ah jamhuuriyada somaliland oo sheegtay in ay dimuqraadiyad jirto hadana dulmiweyni uu ka jiro wadanka.

waxaan nahay muwaadiniin somalilander ah jecelna wadankooda hooyo balse ku xaqiran,hadaan eegno ilaa iyo intii wadanku xoroobey 1991kii waxaan ku noolayn dulmi iyo tacadi iyo xaqiraad nala xaqiro majiro maamul qudha oo garta xaqa umada gabooye leedahay inay meel saaraan sideynu wada ognahay maamulkii ugu horeeyay ee cabdiraxmaan tuur uu madaxweynaha ka ahaa ma jirin wax loo gartey beesha gabooye haba hayaraatobee waxaa ka dambeeyay alle ha unaxariistee maamulkii mohamed ibraahim cigaal 1993dii waxaa la qaybiyey baarlamaan iyo dawladii waxaa la,iigartay in aniga iyo carab iyo qabiilo kale oo ku nool itoobiya oo jamhuuriyada somaliland ay kaga nool yihiin dad fara kutiris ah in nala simo, waxaa timid dawladii dimuqraadiga ahayd ee uu ku guuleystay ina riyaale wax ay ka bedeshay nidaamkii ina cigaal ma jirto anagoo filayney inuu noo dhaami doono kuwii hore oo islaheyn waa dawlad dumuqraadi ah, waxaa nasiibdaro ah dadka gabooye ee kunool soomaaliland oo aanay tiradoodu yarayn oo aaney ka yarayn 200'000kun intiro yar oo lagala qaydhigo, xaqiiqda hadaan eegno maynoorati waxaan ku ahay dhul la'aan ee tiro yaraan manoorati kuma ahi taa waxaa cadayn u ah gobalada dalku ka kooban yahay dhamaan waan ku noolahay waxaanan ka ahay xubin muuqata gobol walba iyo degma kasta hadaad eegto gobolka hargeysa waxaa kunool in ka badan 50,000kun gobolka togdheer inkabadan 50,000kun gobolka sool sidoo kale gobolka  awdal sidoo kale gobolka sanaag sidoo kale gobolka saaxil sidoo kale,waxaa xaqiiqa ah in qofkasta oo somalilandher ahi uu garan karo xisaabtaasi inay sax tahay, hadaba ma waxaa nalala sugayaa markaan hay,adaha xuquuqda bani aadamka u dooda aan gaadhsiino cabashadayada, Sida aan kor ku soo sheegnay Waxaa lagama maarmaan ah In Beeshu ay hesho xaqa Muwaadinimo ee ay ku leedahay Qaranka, waana in beeshu ay heshaa Kuraasta baarlamaan iyo wasaaradeed ee ay xaqa u leeyihiin sida beelaha kale ee Somaliland.

Afhayeenka beesha gabooye ee north America
Mudane: Mubarak Ali Hirsi, mubarakhirsi2@hotmail.com
 

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Haatuf Oo Ku Guulaysatay Koob Lagu Xusayay Marxuum Xarbi.

C/Fataax M. Caydiid.

Hargeysa (Haatuf) – Koob lagu xusayay sannad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay geeridii Marxuum Cabdi Muxumed Xarbi oo ahaa saxafi weyn oo ka tirsan Radio Hargeysa, ayay shalay ku guulaysatay kooxda kubadda koleyga ee Haatuf Media Network, kadib markii ay ciyaar aad u heer saraysa dhexmartay kooxda kale ee Wasaarada Maaliyadda, taas oo ay kaga badiyeen 56-46 dhibcood, ciyaartaas oo ka dhacday garoonka kubadda koleyga Timacade ee magaalada Hargeysa.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badnayd oo ay dadweyne garoonka intiisa badan buuxiyay ka soo qayb-galeen, waxa ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar-wanaag, taas oo ay kooxda Haatuf gacan sareynta lahayd wakhtigii ciyaarta intiisii badnayd, balse kooxda W/Maaliyaddu ay had iyo goor isku dayayeen in ay faraqa dhibcaha ee u dhexeeya keenaan.

Wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu wuxuu ku soo geba-gebawday 56 dhibcood oo ay kooxda Haatuf guushu ku raacday, halka ay kooxda Wasaarada Maaliyaddu 46 dhibcood ka dhashatay.
Ciyaartan laga xusayay Marxuum Xarbi, waxa ku guulaystay koobkii kaalinta koowaad kooxda Haatuf, halka ay kooxda W/Maaliyadduna heshay koobkii kaalkinta labaad.

Xuseen Xarbi oo ka mid ah wiilasha uu Marxuum Cabdi Muxumed Xarbi dhalay oo isagu soo qaban-qaabiyay munaasibaddan xuska aabihii, ayaa mahadnaq u jeediyay dhammaan cidii gacan ka siiyay suura-gelida munaasibaddan, waxaana halkaa lagu gudoonsiiyay kooxda Haatuf koobkii ciyaarta oo uu u gudoomay Siciid Cabdi Muxumed oo isagu ka mid ah wiilashii Marxuum Xarbi.

Marxuum Cabdi Muxumed Xarbi, waxa uu ahaa suxufi maamuus iyo sharaf ku dhex leh bulshada iyo bahweynta saxaafadda dalka.

Cabdi Muxumed Xarbi, waxa uu dhashay sannadkii 1953-kii bishii July 15-keedii, waxaanu ku dhashay magaalada Mandheera, halkaas oo uu ka galay malcaamad Qur’aan, kadib waxa la geeyay dalka Yemen, magaalada Cadan oo uu ku dhammaystay dugsigiisii hoose, isagoo u soo wareegay dugsigii dhexe ee Axmed Guray oo uu 1966-kii dhammaystay. 1967 ilaa 1971 waxa uu dhammaystay dugsigii sare ee Camuud, halkaasi oo uu ku diyaariyay shahaadada (General Certificate of London).

1972-kii waxa uu ka soo shaqeeyay Radiyow Muqdisho, isagoo 1973 qaatay hal sanno oo barashada saxaafadda ah. 1974-kii – 1977-kii waxa uu ahaa isuduwaha wakaaladda wararka ee SONA. 1984-kii – 1988-kii waxa uu ahaa Madaxa wakaaladda wararka ee SONA ee gobollada Waqooyi galbeed.

1989-kii waxa uu ka soo qayb qaatay idaacadii Radiyow Halgan ee SNM.

1991-kii waxa uu noqday agaasimaha waaxda wararka ee Raadiyow Hargeysa. 1992-kii waxa uu noqday agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta. 1993-kii waxa uu noqday agaasimaha waaxda wararka, qoraalada iyo filimada. 1997-kii waxa uu noqday agaasimaha waaxda wargeysyada ee wasaarada warfaafinta, isagoo ka mid ahaa aasaasayaashii wargeyska Maandeeq iyo Madbacadda. 1998-kii ilaa maalintii uu ka geeriyooday waxa uu ahaa Tifaftiraha sare ee idaacadda Raadiyow Hargeysa.

Top


Kooxaha Hilaal (Gebilay) Iyo Caafi (Burco) Oo Ciyaar Saaxiibtinimo Dhexmartay

Gabiley (Haatuf) – Ciyaar saaxiibtinimo oo aad u xiiso badan ayaa shalay ku dhexmartay labada kooxood ee Hilaal oo ka socota magaalada Gabiley iyo Caafi oo ka socota magaalada Burco garoonka kubadda cagta ee magaalada Gabiley.

Sida uu ku soo waramaya weriyaha Haatuf ee Gabiley, ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta degmada Gabiley iyo dadweyne aad u badan, waxay ahayd ciyaartii labaad ee saaxiibtinimo ee dhexmarta labadan kooxood, iyagoo hore labadan kooxood ugu ciyaaray magaalada Burco, ciyaartaas oo ay ku barbareeyeen labada kooxood 2-2, laakiin ciyaartan oo shalay oo ay dadka reer Gabiley aad u xiisaynayeen ayay kooxda Hilaal ee Gabiley daqiiqadii ugu horeysay dhalisay goolkeedii koowaad, kaas oo uu u dhaliyay ciyaartoyga lambar 7 u sitay kooxda Hilaal, waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhammaatay 2-1 ay kooxda Hilaal Gabiley kaga gacan sareysay kooxda Caafi Burco.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii garoonka laysugu laabtay, waxay koox waliba ku dedaalaysay inay goolal dhaliyaan, laakiin labada kooxood way ku guulaysteen in ay gool dhaliyaan, waxaanay koox waliba keensatay gool, natiijadiina waxay ku soo geba-gebowday in ay guushu ku raacdo kooxda Hilaal Gabiley oo 3-2 kaga guulaysatay kooxda Caafi Burco.

Geba-gabadii ciyaarta waxa ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka degmada Gabiley, Maxamed Xaaji Ibraahim, kaas oo ku dhiiri-geliyay ciyaaraha iyo kooxuhu sameeyaan ciyaaro saaxiibtinimo.

Kabtanka kooxda Caafi Burco iyo Madaxa Qaban-qaabada Isboortiga ee Gabiley Rooble Ibraahim Axmed, ayaa sheegay in ay labaduba ku qanacsan yihiin natiijada ciyaarta,isla markaana waxay ku booriyeen dhallinyarada in ay dedaalkooda halkaa ka sii wadaan.

Ciyaartoydan kooxda Caafi Burco ee ka yimi magaalada Burco, waxa aad u soo dhaweeyay intii ay magaalada Gabiley joogeen Duqa degmada Gabiley, C/qaadir Axmed iyo dadweynaha reer Gabiley, waxaana la filayaa in ay maanta ciyaar saaxiibtinimo ah la yeelanayaan xulka Degmada Gabiley.

Top