Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 383 July 27, 2003

“Somaliland Faraha Halaga Qaado, Gooni Isu-Taageedana Haloo Daayo …”
Prof. Cali Masruuci Oo Ah Caalim Caan Ka Ah Dalka Kenya.

Damaca Kala Duwan, Duruufaha Xamar Iyo Dooda Mbagati, Faallo – Xadiis M. Xadiis.

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Dufcadii Afraad Ee Golaha Xukuumada Rayaale.

Waa maxay dhaqaale?

Ha Iman Lahaydaa! Q:5aad – Maxamed Daahir Afrax.

Guddida Midowga Africa (AU) Ee Hub Ka Dhigista Somalia Oo Gaadhay Bay.

Gunno Loo Qorayo Maroodiga Gabooba Ee Hindiya.

Askarta Maraykanka Ee Lagu Laynayo Ciraaq Oo Sii Korodhay Kadib Dilkii Cuday Iyo Qusay.

Dagaalada Liberia Oo Sii Holcaya Iyo Maraykanka Oo Ciidamo U Diraya.

Qalliin Culus Oo Lagu Sameeyay Gabadh 19-Jir Ah Magaalada Muqdisho.

Warbixin Ay Xarunta Dr. Jimcaale Kasoo Saartay Xaaladda Xuquuqal-Insaanka Ee Muqdisho.

Muran Ka Aloosmay Axdi Qarameedka Lagu Sameeyay Shirka Kenya.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baarlamaanku waa Dawo Bukootay.

Xaaladda dhaqaale ee Soomaalida Maraykanka.

Gobolka Sool Cidina Kama Saari Karto Somaliland, Mudane C/qaadir Maxamad Xasan (Indho).

“Mukhaadaraadka Qaadka Iyo Aqoondarada Halaga Wacyi Geliyo Dhalinyarada,” Waraysi – Q: 2aad – Faysal Muuse Ildab – Ciyaartoyga Caanka Ah Ee Xulkii W. Galbeed ee kubada laliska, oo haatana Tababara Xulka Gobolka Hargeysa.


“Somaliland Faraha Halaga Qaado, Gooni Isu-Taageedana Haloo Daayo …”
Prof. Cali Masruuci Oo Ah Caalim Caan Ka Ah Dalka Kenya.

Nairobi (Haatuf): Aqoonyahan caan ka ah caalamka oo la yidhaa Prof: Cali Masruuci oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku baaqay in gooni isku taaga Somaliland faraha laga qaado, wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu ka hadlay shirka kooxaha Soomaalida uga socda Nairobi.

Profesor-ku wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay meel ay ka abuurmeen xeerar dhaqameedyo aan lahayn ciddii fulin lahayd, iyo mujtamac aan dawlad xukunta lahayn.

Isaga oo tilmaamaya sida ay Somaliland uga duwantahay xaaladda ka jirta Soomaaliya waxa uu yidhi “Waxa halkaa (Somaliland) ka jira nidaam iyo kala dambayn, ay ku sii jiri karaan”.

Mar uu professor-ku ka hadlayey ajandahiisa ku waajahan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida iyo aaya-ka tashiga Somaliland waxa uu yidhi “Somaliland waa in faraha laga qaado, gooni isku taageedana loo daayo, waxaanay leeyihiin dhaqaale ku filan oo ay ku baahi baxaan, kuna sii jiri karaan”.

Prof. Masruuci waa shakhsiyadda labaad ee caanka ka ah Kenya ee u soo banbaxa Somaliland iyo madax banaanideeda, iyada uu ka horeeyey Raila Odinga oo haatan ah wasiirka hawlaha guud ee Kenya, isla markaana dhawr jeer oo hore isagu ku celceliyey in Somaliland mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banaan.

Balse qaddiyada Somaliland taageeradii ay ka heli jirtay qaar ka mid ah siyaasiyiinta caalamka, waxa haatan ku soo kordhay oo ra’yiga madax banaanida Somaliland taageersan culimada iyo aqoonyahanada wax ka dhiga jaamacadaha caalamka Prof: William Reno (USA), oo maqaaladiisa ku faafiya wargeyska Somaliland Times, Prof. Iqbal Jhazbhay South Africa iyo I.M.Lewis Britian.

Top


Damaca Kala Duwan, Duruufaha Xamar Iyo Dooda Mbagati, Faallo – Xadiis M. Xadiis.

Soomalidu asalkeedii hore waxay ahayd reer guuraa xoola dhaqato ah, oo ku salaysan habka reer miyinimada, isla markaana salka ku haya habka qabyaaladda iyo qolo-qolo iskugu faanka, sida xoola dhaqatada dhaqatada oo kala ah saddexdan qaybood, geelayda, lo’layda iyo adhiilayda, waxaanay qolada geelayda ahi iska weynaysiiyaan labada qolo ee kale.

Haddaba sidaas oo kale ayey Soomaalidu sida ay u kala qabaa’ilka badan yihiin, ayey isku yasaan, waxaanay Soomaalidu gacanta gumaysiga ku jireen tan iyo intii ka horeysay 1960-kii, iyada oo xiligaas ay labadii gobol ee xornimada qaatay sameeyeen wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaana madaxweyne loo doortay Aadan Cabdule Cismaan oo ah jilibayada yar yar ee beesha Hawiye, waxaanay ku soo beegantay wakhti aanay xidida adkaysan qabyaaladda Soomaalidu, waana tan u suurto gelisay ninka soo jeeda beel yar in loo doorto madaxweyne, haddaba ka dib markii uu cadaadis kaga yimid madaxda beelihii waaweynaa ee gaar ahaan daaroodka oo iyagu isku arkayey inay xaq leeyihiin hogaaminta Soomaaliya, iskana lahaayeen jagada madaxweynenimada dalka, sidaas darteed waxa jagadii laga qaaday Aadan Cabdule Cismaan, iyada oo lagu fadhiisiyey C /Rashiid Cali Sharmarke oo ahaa ra’iisal wasaarihiisii, kana soo jeeday beesha Majeerteen oo isku wada inay tahay madaxda daaroodka, hase yeeshee C/Rashiid waxa toogasho ku dilay nin ay isku reer yihiin badhtamaha magaalada Laascaanood.

Hase ahaatee dalkaas C/Rashiid ka dib waxa jagadii boobay afgambi milatarina ku qabsaday Jen: Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa taliyaha ciidamada qalabka sida.

Laakiin, sida sharcigu dhigayey waxa xilkaa lahaa oo qaban lahaa ra’iisul baarlamaanka Sh. Mukhtaar.

Awooda uu Barre ku qabsaday waxa dabada ka riixaysay, damaca daaroodnimada, waxaanu si gaar ah u naas nuujin jiray beeshiisa uu isagu ka dhashay ee mareexaan, ka dib –na daaroodka kale, taana waxaa dhashay laba aragtiyood, tan hore waxay ahayd daaroodkii oo isku arkay inay Dawladda iyaga uuni leeyihiin oo sida ay doonaan ka yeelaan dalka iyo dadkaba, waxaana marar badan la arki jiray amaba dhici jirtay inuu wiil yar oo askari ahi oo daarood ah, sida mareexaan, uu dhirbaaxo indhaha ku cadeeyo wasiiradda iyo madaxda kale ee aan daaroodka ahayn, waxaana sidaasi xadhig iyo xabsi ku mudan jiray muwaadiniin fara badan oo aan daaroodka ahayn.

Arrintaasina waxay keentay inay soomaalidii kale si gaar ah ula xidididaan daaroodka, siiba mareexaanka, waxaana kor u kacay guurka hablaha daaroodka, waxaanay dadkaasi aaminsanaayeen, amaba ka baqe qabeen in beri ka maalin si dhab yar loo xidhi doono ama wiil yar oo ka dhashay beesha daarood uu kibir la soo doonan doono, sidaas darteed ay qaraabinimada Daarood u noqon doonto gaashaan iyo dhufays uu kaga badbaado shar kaga yimaada daaroodka kale, taasina waxay sii laban laabtay hanka iyo awoodii daarood ee ahayd inay dalka iyo dadkuba yihiin Daarood iyo in lagu qurxiyey, masiirka ummaddana aanay ka hadli Karin cid aan daarood ahayni, hadday ka hadashana aan laga hoos qaadin aragtideeda.

La soco.

Top


Nin Hubaysan Oo Dad Dhimasho Iyo Dhaawac Ugu Geystay Xaafadda Jig-Jiga-Yar Ee Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Nin hubaysan ayaa xalay fiidkii laba qof ku dilay mid kalena ku dhaawacay galbeedka magaalada Hargeysa, xaafadda Jigjig yar-yar, ka dib markii uu rasaasta ooda kaga qaaday marxuum Aadan Cabdi Mursal oo ahaa nin dhalinyaro ah, kaas oo sida ay sheegeen dad goob joog ahi, ay meel maqaaxiya wada fadhiyeen.

Ka dibna sida ay ku warameen dad goob joog ahaa iyo qaar ka tirsan ehelada marxuumku, waxa uu ninkani u cararay markii uu falkan geystay, guri sandaqad ah oo ku yaalay isla goobtaa, halkaas oo uu ugu galay laba caruura, kuwaas oo uu tooray kala dhacay caloosha.

Caruurtan oo kala ahaa Sakariye Axmed Maxamed oo ahaa wiil yar oo shan jir ah iyo Muna Axmed Maxamed oo 9 jir ah, taas oo u dhimatay dhaawicii ka soo gaadhay tooreyda uu caloosha kala dhacay ninkaasi, balse wiilka yar ee uu dhaawacu gaadhay waxa lagu dawaynayey xalay cusbitaalka Hargeysa, iyada oo labada qof ee dhintayna uu maydkoodu yaalo dhakhtarka.

Ciidanka booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkii falkaa geystay, iyada oo sida ay sheegeen dadka goob jooga ahaa uu dhaawac ka soo gaadhay lugta, ka dib markii ay ciidanku isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, waxaana la sheegay in ninkaas markii dhakhtarka lagu daweeyey ka dib ay boolisku qaadeen.

Inkasta oo aan la sheegin sababta ninkan ku kaliftay inuu falkan geysto, laakiin waxa ay sheegeen dadka ehelka marxuumka ahi, inuu ninkan oo ay magaciisa ku sheegeen Ilyaas C/laahi Aadan uu ahaa nin xoogsato ah, oo ka shaqeeya dhismaha, isla markaana ay marxuumkaa wada shaqayn jireen, balse dadkaasu ma sheegin wax dhibaato oo ka dhaxeeyey, isla markaana waxay qaarkood carabaabeen inay wada fadhiyeen maqaaxida uu marxuumku ku geeriyooday.

Markab Sida Raashin U Socda Itoobiya Oo Soo Gaadhay Berbera.

Berbera (Haatuf): Markab sida raashin mucaawino ah u sida dalka Itoobiya ayaa shalay soo gaadhay dekedda Berbera.

Sida la sheegay markabkani waxa uu sidaa qamadi mucaawino ah oo ay midawga Yurub ugu deeqeen dalka Itoobiya, oo dhan 20,000 oo tan, oo loogu talo galay dadka tabaalaysan ee abaartu ku hayso dalka Itoobiya.
Markabkan shalay soo gaadhay dekedda Berbera, ayaa la sheegay in la rogi doono raashinkaa maalmaha soo socda, isla markaana loo gudbin doono dalka Itoobiya.

Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee raashin Itoobiya u socdaa ka soo dego dekedda Berbera, haddana in muddo ah waxba uma soo marin dekedda Berbera.

Midawga Yurub ayaa warsaxaafadeed uu dhawaan soo saaray ku sheegay inay wax ka qabanayaan sidii ay dekedda Berbera uga soo degi lahaayeen alaabta u socota Itoobiya isla markaana dekedda Berberi u noqon lahayd mid qayb ka qaadata ganacsiga gobolka geeska Afrika.
 

Top


Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Dufcadii Afraad Ee Golaha Xukuumada Rayaale.

Hargeysa (Haatuf) Mudanayaasha Golaha wakiilada oo mudooyinkanba ku guda jiray ansixinta xubnaha golaha xukuumadda ayaa fadhigii shalay la horkeenay 12 xubnood oo ka kooban wasiir xigeeno, wasiiru dawlayaal iyo wasiirka madaxtooyada, laakiin intii aanu goluhu guda gelin ansixinta xubnahaa waxa uu gudoomiyaha golaha Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo fadhigaa gudoominayay ka codsaday mudanayaasha in aanay u kala tegin xeerarka golaha hor yaal, kuwaas oo uu sheegay in loo baahan yahay inta aanu goluhu fasax gelin inay wixii ay ansixin karaan ansixiyaan.

Mudane Qaybe waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay xeerarkaa oo ay ka mid yihiin xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeerka Shaqaalaha aan dawliga ahayn iyo Xeerka Saxaafadda oo uu sheegay inay ka dhalatay dood kululi, islamarkaana isaga shaqsiyan lagu canbaareeyay inuu dabada ka wado, laakiin ay golaha u taal inuu guda galo iyo inuu dib u dhigto.

Fadhigaa shalay oo ay madasha fadhiyeen 69 mudane waxa lagu ansixiyay xubnahaa golaha xukuumadda oo kala ahaa; Wasiirka Madaxtooyada Nuux, Wasiir Ku-xigeenada, Waxbarashada Ismaaciil Maxamed Madar, Warfaafinta Cali Cilmi Geele, Xanaanada Xoolaha , Cali Axmed Cabdi (Cali cantar), Caddaalada Cawil Suldaan Maxamuud Cali Shire, Kalluumaysiga Maxamuud Maxamed Nuur, Ganacsiga C/raxmaan Yuusuf Ismaaciil (wadaad yare), Beeraha Dr. Maxamed X Warsame, Macdanta Yuusuf Ciise Talaabo, Qorshaynta Axmed Cumar Maxamed, Warfaafinta Cali Cilmi Geele, Wasiiru-dawlaha Hidaha Iyo Tacliina Sare C/laahi Ismaaciil Bidhaan iyo Wasiiru-dawlaha Caafimaadka.

Xubnahan oo u badnaa wasiir xigeeno waxay goluhu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, waana dufcadii afraad ee laga ansixiyo golaha wakiillada, iyada oo tirada Golaha Xukuumadda ee Madaxweyne Rayaale dhawaan magacaabay ay gaadhayso ku dhawaad 50 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiiro-xigeeno iyo wasiiru-dawlayaal, kuwaas oo la filayay in aanay golaha wakiilladu sii deyn doonin dhammaantood, laakiin waxay golaha wakiilladu dib u celiyeen 3 wasiir iyo laba wasiiru-dawle, waana xukuumaddii ugu tirada badan taariikhda Somaliland, tan iyo intii ay la soo noqotay Madax bannaanideeda 1991-kii.

Top


Waa maxay dhaqaale?

Dadka intiisa badan haddii la waydiiyo su'aasha kor ku xusan jawaabta ay ku siinayaan waxay tahay waxa la yiraahdo lacag, dhawaaqeedu ma xuma laakiin heliddeeda ayaa adag, haddii aan la isticmaalin waxyaalaha lacagtaas keena, maalgelinta uu qofku galiyo dhulkiisa iasaga oo kali ahi kama faa'iidaystee umadda dalkaas ku nool oo dhan way ka faa'iidaysaa, hadday noqoto warshado yar-yar abuuritaankeeda, dhismo guryeed, rug ganacsi, wax soo saar beereed, iwm hawlahaas oo dhan waxay u baahan yihiin shaqaale joogto ah, suuq joogto ah, shaqaalihii waa dadkii u dhashay waddanka oo way ka faa'daysanayaan iyagoo weliba canshuurtii dawladda shuba, taasoo dib ugu noqonaysa waddankii laftigiisa, hawsha la qabanayo wixii ka soo baxa waxaa ka faa'iidaysanaya dadka waddanka u dhashay.

Si markaa mashruuc loo fuliyo wuxuu u baahan yahay marka hore in risk la qaato, daraasadna lagu sameeyo mashruuca guud ahaan, risk kasta oo la qaato wuxuu leeyahay return ( risk return ).

Maanta gobollada soomaaliyeed oo dhan waxay u baahan yihiin maalgelin iyo in hawlo kala duwan laga hirgeliyo oo ku salaysan dhinaca ganacsiga, gaar ahaan shirkadaha yar-yar ee soo saara raashinka ama qalabka dhismaha, si arrintaasuna u hirgesho waxay u baahan tahay dad dhexda u duubta, dalka wax u tara oo iyaguna ka faa'iidaysta arrintaas. Si riskiguna u yaraado waxaa habboon in tiro badan oo dad ahi hal mashruuc maalgeliyaan, ayadoo qof walba tabartiisa geysanayo, saamina uu ku yeelanayo nooca shirkadda markaas jirta.

Noocyada shirkadaha.

Shirkad qof kaliyahi leeyahay:

Waa shirkad si cad aan sharciga loogu sheegin oo ma laha wax articles ah, badanaaba waa shirkad yar oo qof kaliya ahi leeyahay, hantida shirkadda oo dhanna waxaa leh qof kaliya, mana jirto hanti kala qaybsan oo la wadaagayo.

Haddii qof deyn ku yeesho qofka shirkadda iska leh ama shirkadda leftigeeda, wuxaa deyntiisa laga siinayaa hantida shirkadda. Dadka shirkadda deynta ku lehna lagama hormarsiinayo kuwa deynta ku leh qofka shirkadda iska leh.

Shirkaddan qofka kaliyahi leeyahay laguma wareejin karo qof kale, illaa si sharci ah loogu ansaxiyo maahane, qofka la wareegaya shirkadda waa inuu si sharci kula wareegaa, qofka laga gadanayo shirkaddana waa inuuna meel kale ka furin shirkaddaas nooca shirkaddaas ama magaceedaba, qofka iibsaday shirkaddana waa inuu ka qoraa rugta ganacsiga (chamber of commerce), sameeyaana xisaab (accountant), sanadka dhamaadkiisa waa inuu xisaab xidh sameeyo, waana inuu xifdiyo muddo 10 sano ah wax allaale iyo wixii la xidhiidha shirkadda hawsheeda oo waraaqo ama documenti ah sida xisaab xidhka, biilalka, fakisyada, waraaqihii heshiiska, iwm.

Shirkad la wadaago ( Partnership ).

Shirkadda noocaan oo kale ah si sharci ah ayay ku saleysan tahay, waxayna ku bilaabataa in labo qof iyo inkabadan ku shirkoobaan, ayadoo ujeedadoodu tahay inay faa'iido ka helaan shirkadaas abuuritaankeeda, iskaashatadani faa'iido iyo khasaaraba waxay ku qeybsanayaan si sharciga waafaqsan, kaasoo ay horey ugu heshiiyeen, sida badan qof walba wuxuu helayaa inta uu saami ahaan meesha ugu maalgeliyay.

Shirkadani malaha hanti u gooni ah, haddii ay noqoto in deyn lagu yeesho shirkadda, macnaheedu ma'aha in deyntaas lagu leeyahay dadka iskaashatada ku jira oo dhan, sababtoo ah hawshii waxaa loo kala saaray mid ku saabsan arrimaha caadiga ah oo shirkadda loo qabanayo, iyo wixii aan caadi ahayn oo ayadana shirkadda anfac ka soo gelayo.
Hawsha caadiga ah ee shirkadda qof walba wuxuu awood u leeyahay inuu qabto wixii uu xirfad ahaan u garanayo, laakiin qofna kuma qasbana inuu shirkadda waqtigiisa oo dhan siiyo, waxaa kaliya oo ku waajib ah inuu mas'uuliyaddii ka saarneyd u guto si wanaagsan. Arrimahaas wixii ka baxsan ma jiro sharci u gaar ah, taasu waxay caddeynaysaa in dhammaan dadka xubnaha ka ah shirkadda ay qaban karaan hawlahaas, ayadoo la tixgelinayo heshiiskii dhexmaray, haddii ay noqoto in qof ka mid ah xubnaha shirkadda uu hawl u qabto shirkadda isagoo adeegsanaya magaca shirkadda, arrintaasi waa mid sharciyaysan saameynaysana dadka kale ee xubnaha ka ah shirkadda, wixii ka yimaada isagaa marka hore mas'uul ka ah, marka laga reebo oo kaliya in dadka xirfadda u leh hawshaas ay ku raacaan in arrinka uu qofkaasu qabtay ay tahay mid shirkadda faa'iido u leh haddii sidii la rabay ay u hirgesho.

Haddi ay noqoto qof xirfad u leh hawsha uu shirkadda u qabanayo inuu deyn u gelo shirkadda awgeed, deyntaas waxaa bixinaya dadka xubnaha ka ah shirkaddaas deynta loo galay, sababtoo ah horey waxaan ku soo xusnay in shirkaddani ayna lahayn wax hanti ah, oo ay qasab ku tahay xubnuhu inay hantidooda ka bixiyaan deyntaas shirkadda lagu leeyahay, laakiin waxaa jira 3 arrimood oo arrintaas looga baxsan karo:

1. Ayadoo shirkaddii loo rogo limited company (LTD) ama limited liability companyn (LLC)

LTD: shirkad ganacsi oo saamilayaashu ay mas'uul ka yihiin bixinta deynta shirkadda illaa xadka maalgelintooda.

LLC: shirkad ganacsi oo saamilayaasha khasaarahoodu ku egyahay qiimaha saamigu joogo oo kaliya.

Arrintaani waxay keenaysaa in shirkaddii la baabi'iyo mid cusubna la sameeyo, dadkii shirkadda wax ku lahaana ay noqdaan saamilayaal (shareholders) markaas waxaa ka lumaya oo kaliya qiimihii saamigu (share) joogay, hantidooda gaar ahaaneed wey u dhowrsanaanaysaa, dhibka ay leedahay shirkadda noocaan ah waxaa weeye inaad annual report accounting daabacdid.

2. Inay shirkaddu noqoto dhowr shirkadood oo isku tagey isla markaasna private ah.

Haddii shirkadda deyn lagu yeesho waxay keenaysaa in shirkadihii yaryaraa ay wada khasaaraan, ayadoo khasaarihii si isle'eg loo qaybsanayo. Shirkaddii wax khalad ah la timaadana waxaa qabanaya sharcigii horey la isugu waafaqay.

3. In heshiiska mas'uuliyadda shirkadda lagu xadido ama la xidho.

N.B
LTD : shirkaddan sheyrkeeda waa laga iibin karaa dadka aan xubnaha ka ahayn shirkadda, haddii qof ka mid ah xubnaha haysto sheyrka shirkadda, wuu ka iibin karaa dadka banaanka ka taagan shirkadda, haddii xataa sheyrku magiciisa ku qoran yahay.

LLC : shirkaddan sheyrkeeda lagama iibiyo shacabka, laakiin dadkii shirkadda asaasay ayaa caddeyn ahaan loo siiyaa sheyrka noocaan oo kale ah, waxaana lagu qoraa magiciisa, sheyrka noocan oo kale ah la isuma gudbin karo.

Diyaariye: Maxamed Baasaweyne.

Top


Ha Iman Lahaydaa! Q:5aad – Maxamed Daahir Afrax.

Geeddi in ka stuu mar miyir beelay muddo ka dib wuu soo miyirsaday.. Markii Faadumo u imaneysey wax walba wuu kala garanay ey.. Wuxuu aad ugu diirsaday imaatiinkeeda. Wuxuu ku sii naallooday kalgacaylka laabteeda ku aasnaa ee ay khasabka kaga soo saartay kurbadan kadiska ah.. Waxaa filan-waa ku noqday "macaanow"da badan iyo erayada naxriista leh ee ay Faadumo ku beerlaxawsanayso.. Goormaa ugu dambaysey isticmaalka erayada noocan ah, ama maqal uu ka maqlo marwadiisa! Wuxuu moodayey in ay beri bore maskaxdeeda ka tirmeen.

Laydh naxariis badan baa laabtiisa salaaxday.. Lahankii xanuunkaa qaboobay... Laxaw kalgacaltooyaa lubbigiisa ruxay.. Labadiisii gacmood baa lahashadii ku hawl-galay.. Faadumo waxay ku war-heshay ninkii ay geerida ku tirisay oo intuu mar qudha gacmaha ka seeraarshey garbaduub u soo qabsaday,laabta ku cadaadinaya, gacalo-milicsanaya, gadhka iyo labada dhaban ka dhunkanaya! Waa la isku wayraxay sidii wiil iyo gabadh waa hore is jantay waayaha adduunkuna waqti dheer kala qariyeen!

Faadumo kuma raagin riyo-la-mooddaas xanuunka macaan leh.. Mar labaad bay muraara-dillaacday, markay toos u eegtay nabarrada halista ah ee ninkeeda ku yaal iyo dhiigga madaxiisa ka socda.

'Si aan yeelaba waa inaan sida ugu degdegsan dhakhtar ugula cararaa! ayey is tidhi. 'Telefoon ambalaas lagula hadlaana iima dhawa!
Qacdii ay istaagteyba waxay ku war heshay afar boliis ah oo afarta jaho midba gees ka taagan yahay.. farxad iyo far-ka-nax baa mar wada saaqay.. Waxay ku faraxday in ay heshay cid ay la kaashato dhakhtar-geynta odeygeeda dhaawaca ah iyo baadigoobka budhcaddii dishay; waxayse dhibsatay qaabka nimanku u taagan yihiin iyo dhiillada wajigooda ka muuqata.. Waxay u egyihiin ciidan u diyaar-garoobey in ay weerar ku qaadaan cadow khatar ah, hubkoodii cabbaystay, keliya sugaaya amarkii dabridka!

"Ha dhaqaaqin!" Taliyihii ciidanka watey baa Faadumo ku amray, markay u hollatay in ay ku soo yara dhawaato, si ay uga codsato gargaar degdeg ah, in kastooy ka walaacsa nayd aqoonla'aanta af ay kula hadasho.

Telefoonka qaadma oo uu gacanta ku haystey buu degdeg u diyaarsaday.

Labadiisii madax buu kii sarena dhegta midig ku cadaadiyey kii hoosana afka u dhaweeyey. Saldhigga laga xukumo ayuu warbixin siinayaa gurmad- na ka dalbayaa. Wuxuu ugu bishaaraynayaa in uu gacanta ku dhigay laba ka mid ah budhcaddii baadi-goobkeeda boliisku ku wareeray, hal sarkaalna ka dishey. Waa maafiya halis ah oo aad ugu xeel-dheer tabaha ganacsiga maan-dooriyeyaasha iyo maleegidda shirqoollada halista ah.

Sarkaalka ciidanka wata waa nin dheer oo indho colaadeed leh. Wuxuu farxad iyo firfir- cooni dareemaa marka uu eedaysane gacanta ku dhigo, siiba haddii uu yahay qof madow ah ama ajnabi aan afka waddanka si fiican ugu hadlayn. Isagu wuxuu aaminsanyahay madowgu in ay yihiin dugaag beenaalayaal ah oo dalkooda u yimid in ay kharribaan, xaalufiyaan, sharcigana ku tuntaan.

Labadan caawa u gacan-gashay shaki badan kama qabo in ay yihiin dambiilayaal waaweyn oo waliba ka tirsan maafiyadii la raadinayey. Haddii kale maxaa saacadda caynkan ah meesha noocan ah dhigay, maxaase dagaalka galiyey! Shakila'aan saaxiibbadood ayay isku laayeen lacagtii ay sharcidarrada ku heleen.

lntii uu taliyohoodu telefoonka ku hadlayey, saddexda askari waxay indhaha ku hayeen qofka dumarka ah ee korkeeda iyo koodhkeedaba dhiiggu ku aslanyahay. Waxay la yaabanaayeen dhaxanta dhacaysa iyo dharla'aanteeda. Dirac iyo googarad labaduba khafiif yihiin ayuun baa uga hooseeya koodhka harwashka ah, kabana waa u dacas. 'Malaha dadka madow dhaxantu ma karto!' Mid baa iskula hadlay. 'Haraggooda adag baa ka celinaya,' Mise waxay la dareemi la'dahay maandooriyeyaal ay isku daldashay!'

Habeenkii shibbanaa ayaa mar kale dhawaaq dhegaha u daran lagu kala dhambalay.. Baabuur boliis oo is baacsanaysaa afarta jaho ka soo qayla-dhaamisay.. Goobtii Geeddi yiil baa gees walba dhawr gaadhi lagu rara-gambiyey.. Hurin askar ah oo hubkoodu u dhanyahay baa halhaleel uga soo firxaday.. Hawl-gal militari bay hareeraha u kala yaaceen.. Qoob iyo qaylay isku dareen.. Midkood waliba qori cabbaysan buu carlow aan muuqan ku cayrsanayaa, kana cabsi qabaa in ay xabbadda kala hormaraan.

Cadowgii la waa.. Ciidankii "maafiyadu" malaha sooma dhawaan.. Taliyihii colka watey wuxuu ku dhiirradey in uu ku soo yara dhawaado ninkii madoobaa ee dhulka madow jiifey iyo naagtii duI fadhidey.. Wuxuu ku amray in ay istaagaan gacmahana kor u taagaan.. Faadumoo argagaxsan oohinna la hinraagaysaa amarkaas fulisey.. Amar labaad ayaa loola tannaagoodey.. Gaadhi faan ka fogeyn baa "fuul" lagu yidhi.. Koox hubaysan ayaa halhaleel uga daba fuushay.. "Halyey" aan libiqsanayn baa hareer walba laga fadhiisiyey. Geeddina markii la hubsaday hubla'aantiisa iyo halisnimada dhaawiciisa ayaa gaadhi kale degdeg loogu daad gureeyey.. Labadii gaadhi baa laba jaho u kala dhaqaaqay.. Qoobkii iyo qayladii baa mar kale cirka isku shareeray: "wii waa, wii waa, wii waaaaa..."

Dhamaad

Top


Guddida Midowga Africa (AU) Ee Hub Ka Dhigista Somalia Oo Gaadhay Bay.

BBC-Guddigii Sahanka ee hubka dhigista Soomaaliya ee ka socday midawga Afrika ayaa shalay gaadhay magaalooyinka Beledweyne iyo Baydhabo ee gobollada Hiiraan iyo Bay.

Qeyb ka mid ah guddigan loogu yeedhay guddiga sahanka hub ka dhigista Soomaaliya oo ka kooban lix xubnood ayaa gelinkii hore ee shalay ka soo degay garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Garoonka oo magaalada u jira fogaansho ilaa toddoba kiiloomitir ah ayaan cidi ku qaabilin wafdigaasi sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka ilaaliya garoonkaasi oo la yidhaahdo Yuusuf Axmed Xalane oo loo yaqaanno Berga Herti.

Berga Herti waxa uu sheegay in wafdiga oo ay ka mid ahaayeen labo nin oo Soomaali ah iyo nin ka socday jaamacadda carabta oo isagana Af-Soomaali ku hadlayey ay weydiiyeen masuuliyiintii magaalada, waxana uu u sheegay in aana imaanshiyahooda cidi ka war qabin, sidaasi darteedna aanay jirin cid gaadiid ama soo dhoweyn ugu talogashay.

Berga Herti waxa uu intaasi ku daray in xubnaha wafdigu ay u sheegeen isaga in ay haystaan hal saac oo keliya oo ay doonayeen in ay ku arkaan masuuliyiinta gobolka, iyagoo u sheegay taliyaha ciidanka in ay habeenkii xalay ahaa la soo hadleen qaar ka mid ah masuuliyiinta oo aanan la magacaabin isla markaana loo soo sheegay in ay yimaadaan lana soo dhoweyn doono, taasoo aanan dhicin.

Si kastaba ha ahaatee, ninka isagu sheegta in uu yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Xasan Hilowle Cismaan oo loo yaqaanno Xasan Kacaan oo aan isagana khadka talefoonka magaalada Beledweyne kula hadlay ayaa sheegay in ay ugu talogaleen in ay ceydhiyaan wafdigaasi oo uu ku eedeeyey in wado hawl lagu debin-daabyeynayo sida uu hadalka u dhigay beelweynta degta min Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

Xasan Kacaan waxa uu intaasi ku daray in beeshaasi uu sheegay aanay marna aqbali doonin in hubka ka dhigis loogu sameeyo nin aanay doonaynin, waxana uu intaasi ku daray in ay wafdiga sir ka soo fakatay markii ay yidhaahdeen buu yidhi waxaa xarun ciidanka hub ka dhigista looga dhigayaa magaalada Gaalkacyo, taasoo sida uu sheegay uu ka sii sarriftay in dowladda la dhisi doonana ay xarun u noqon doonto magaaladaasi, taasina ay tahay buu yidhi khiyaamo qaran.

Si kastaba ha ahaatee, markii xubnaha wafdigu ay in cabbaar ah jees-jeesteen garoonka Beledweyne dhexdiisa ayey dayuuraddoodii dib ugu noqdeen oo ay ka duuleen halkaasi, waxayna u kicitimeen magaalada Baydhabo oo aan iyadana laga sugaynin. Sida uu xaqiijiyey ku simaha guddoomiyaha RRA-da, Aadan Maxamed Nuur Sooransoor inkastoo aana wafdigaasi lagu talo gelin in haddana la soo dhoweeyey isla markaana ay soo mar-mareen qeybo ka mid ah magaalada oo uu ku jiro saldhigga booliska magaalada, isla markaana ay shir la yeesheen masuuliyiinta iyo saraakiisha RRA-da ee ay isaga iyo Abshir Xasan Cali ka mid ahaayeen. Sida ay warbixinta ku hayeen ururka RRA-da waxaa wafdigani magaalada Baydhabo laga sugayey 30-ka bishan.

Wafdigani waxay hore u soo mareen gobollada Puntland iyagoo daraasad ku samaynaya meelaha suurtogalka ah ee ciidamo Afrikaan ah la dejin karo dadaal la doonayo in marka hore lagula socdo ilaalinta xabbad-joojintii lagu soo heshiiyey dalka Kenya dabayaaqadii sannadkii hore, kaddibna la eegayo sida ay suurtogal ku tahay hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha Soomaalida, si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa.

Top


Gunno Loo Qorayo Maroodiga Gabooba Ee Hindiya.

BBC-Wasiirka arimaha deegaanka ee gobolka Kerala ayaa waxa uu sheegay in ay sii badanayso cadownimada lagu samaynayo maroodiga iyo dhaqanka ay kala kulmayaan dadka ugaadhsatada ah.

Maamulka gobolkaasi ayaa hadda waxa uu sameyay qaab lagula soconayo nolosha maroodiga iyo cuntadiisaba. iyo waliba sidoo kale daryeelka caafimaadkiisa iyo goob uu ku noolaado.

Waxaana maroodiyada da;da ah lagu khasbayaa in ay shaqada ka fadhiistaan marka ay gaadhaan da;da 65 jirka iyadoo la sheegay in ay noolaadaan ilaa 70 sano. markaasi oo ay yaraato oo ay gaabis noqoto shaqadooda.

Nidaamkan ayaa waxa uu qaabkaasi u ogolaanayaa maroodiyada shaqeeya ee gobolkaasi. Arinkanina ma saamaynayo maroodiyada sida khaaska ah loo leeyahay sida maroodiyada lagu soo bandhigo meelaha loo daawasho tago.

Gargaarka loo sameeyo xanaanada maroodiyada ayaa waxa u muuqatay mid gaabinaysa. laakiin xaqiiqdii tani waxay kordhinaysaa siyaasada la xidhiidha arintani.

Maroodiyada ku nool magaalada Delhi ayaa waxaa lagu dhajiyay calaamado muujinaya marka uu mugdiga socdo si ay baabuurta uga leexdaan.

Ururka Wildlife Trust ee dalka hindiya ayaa sheegay calaamadahaasi loo samaynayo maroodiyada inay ku kacayso uun boqol rubi oo lacagta hindiya ah taasoo u dhiganta labo dolar ayna tahay qaabka ugu fudud ee lagu ilaalin karo maroodiyada.

Top


Askarta Maraykanka Ee Lagu Laynayo Ciraaq Oo Sii Korodhay Kadib Dilkii Cuday Iyo Qusay.

Baqdaad (W.wararka) – Seddex askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay Ciraaq, ka dib markii unug ay ka tirsanaayeen lagu soo weeraray bombaanooyin.

Ciidamadu waxay ilaalinayeen isbitaal caruurta lagu daaweeyo oo ku yaala magaalada Baqdaad.

Waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaa ay ugu yaaraan ku dhaawacmeen afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.

Askarta Mareykanka ee lagu dilay Ciraaq ilaa bishii May, hadda waxay tiradoodu mareysaa afartan iyo todoba, markaas oo uu madaxweyne Bush ku dhawaaqay in uu dhamaaday dagaalkii weynaa ee Ciraaq.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in tirada weerarada lagu qaadayo ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Ciraaq in ay hadda hoos u sii dhacayso.

Mar sii horeysay madaxii dugsiga tababarka Boliiska ee Ciraaq, Axmed Kadhim ayaa la toogtay oo la dhaacay.

Taliyahaasi la dhaawacay waxaa uu ku jiray saraakiil ku soo dhex dhacay dagaal u dhaxeeyey koox looga shaki qabo in ay dhacayaan baabuur, rabeena in ay dad afduubaan.

Arintani waxa ay ku soo beegantay kadib markii ay maraykanku soo bandhigeen sawirada maydadkii cuday iyo Qusay oo ay sheegeen in ay dileen maalintii salaasadii ee todobaadkii hore.

Top


Dagaalada Liberia Oo Sii Holcaya Iyo Maraykanka Oo Ciidamo U Diraya.

Manrovia (W. wararka) Dowladda Liberia ayaa soo dhaweysay warka ah in Mareykanku uu xeebaheeda u soo dirayo iyo maraakiibta kuwa dagaalka ah.Dadku waxay isweydiinayaa in ciidamada Mareykanku ay ka soo dagi doonaan maraakiibta oo ay wax uun qaban doonaan iyo in kale.

Madaweyne Bush ayaa sheegay in ciidamadu ay taageeri doonaan oo kaliya ciidamada nabad ilaalinta ee galbeedka Afrika, oo isku dayaya in ay halkaa tagaan todobaadka soo socda.

Xoghaya guud ee Qaramada Midowbay iyo dadka caadiga ah ee reer Liberia ee ku xaniban dagaalka ka socda caasimadooda ayaa doonaya in Mareykanku horseed u noqdaan ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana waxay doonayaa in sida ugu dhaqsiyo badan tiro ciidamo ah in dhulkaa lagu geeyo.

Madaxweynaha Liberia, Charles Taylor ayaa balan qaaday in uu dalka ka tagayo marka la keeno ciidamo nabadda ilaaliya.

Shalay galinkii danbe, ayaa waxaa la filayay in madaxweynuhu u qabto Stadiumka kulankii ugu danbeeyey inta uusan dalka ka tagin.Waxaa hubaal ah in isu soo baxaasi ay dad badani iman doonaan. Sodon kun oo qof oo soo barokacay ayaa hadda degan Stadiumka, kuwaas oo halkaa u jooga in ay kaga gabadaan dagaalka socoday mudda todobaadka ah.

Top


Qalliin Culus Oo Lagu Sameeyay Gabadh 19-Jir Ah Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Haatuf) – Buro culeyskeedu uu gaadhayo 10 (Kg) kiilo garaam ayaa laga soo saaray gabadh 19 sanno jirtay kaddib markii qaliin socday muddo sodon daqiiqo ah ay ku sameeyeen Dhhakaatiirta isbitaalka Xasan Jiis ee magaalada Muqdisho. Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamad gabadha la qalay oo la yidhaa xabiibo Buno Qaasim oo ah sagaal iyo toban jir oo laga keenay Baadiyaha deegaanka Leego ee degmada Wanla-weyn ayaa maanta ka nafistay culeys gaaraya toban kiilo oo bura ah oo muddo seddax sanno ah ay siday iyadoo ku siday ilma galeeenkeeda kaddib markii dhakhaatiirta ay ku guuleysteen in ay soo saaraan Buradaas.

Muusaay Nuur Xuseen iyo Buno Qaasim oo ah Aabaha iyo Hooyada dhalay gabadhan ayaa sheegay in mudadii ay gabdhooda burada ku tiilay ay ku jireen welwel joogta ah iyagoo yidhi waxaan wakhti badan galinay Quraan saar iyo Dabqaad galin kaddib markii aan u maleynay in dabeyl ay gashay. Dr. Cabdi Maxamed Cilmi Xangul oo qaliinka buradan sameeyay ayaa u sheegay wariyaha sheegay in uu aad ula yaabay Buradaan ka sameysantay ilmagaleenka gabadha aan weli laguursan oo uu Dhakhtarku yidhi Burooyinka nuucan ah waxa ay u badan yihiin Haweenka Da’dooda ay ka sareyso Sodonka sanno Dr. Xangul waxaa kale oo uu sheegay in xaaladda gabadhan Burada laga qalay ay tahay mid aad u wanaagsan caafimaad ahaan islamarkaana Burada nooca laga soo saaray uu yahay mid aan soo laabaneyn. Ma aha markii ugu horysay ee Dr. Xangul uu ku guuleysto Qaliimo nuucaan oo kale ah, horaantii sanadkii hore ayuu Buro shan iyo labaatan kiilo gaadheysa ka soo saaray ilma galeenka Haweeney muddo todoba sanadood xanuunsaneyd oo ka timid Baadiyaha Deegaanka Cadaado. Waxaa kale oo uu sheegay in uu sadexdan sano ee ugu danbeeyey uu qalay ilaa shan iyo toban buro oo caynkan oo kale ah waxaa kale oo ii sheegay in uu ninka mida dadka aan ka qalay burada uu u keenay hal neef oo adhi ah oo uu hadyad ugu keenay markii aan qaliin lacagla’aana uu kaga gooyay buro culayskeedu yahay laba iyo toban kilo. Xangul oo ah dhakhatarka loogu jecel yahay muqdisho ayaa hore uga qaybgalay dhawr kooras oo uu debadaha ugu baxay isagoo matalaya dhakhatarada soomaliya Xangul waxaa uu ka hawlgalaa Cisbitaalka madiina ee kamida isbitaalada ugu wanaagsan Muqdisho waxaanu u muuqdaa dhakhtar mustaqbalka wax weyn ku soo kordhin kara arimaha qalniinka

Top


Warbixin Ay Xarunta Dr. Jimcaale Kasoo Saartay Xaaladda Xuquuqal-Insaanka Ee Muqdisho.

Muqdisho (Haatuf) – 35 (Shan boqol iyo sodon) qof ayaa siyaabo kale duwan loogu dilay gobo ka tirsan dalka intii u dhaxeysay badhtamihii Luuliyo ee 2002 ilaa bishan. Sidaana waxa sheegay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuuqda Aadanaha ee muqdisho oo shalay lagu qabtay xuska sanadguuradii 13aad ee ka soo wareegatay geeridii Dr. Ismaaciil Jimcaale iyo todoba guuradii ka soo wareegatay aasaaska xarunta Dr. Ismaaciil iyo maalinta xaquuqda Aadmiga Soomaaliya taasoo lagu soo bandhigay dhammaan tacadiyadii la geystay mudooyinkan danbe.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahano, dhalinyaro, haween, mas’uuliyiin ka kala socotay qeybaha bulshada, ururada bulshada rayidka ah iyo fanaaniin ayaa dhammaan dadkii ka soo qeybgalay waxa ay ka xumaadeen tacadiyada la soo bandhigay oo isugu jiray qoraalo iyo sawiro oo inta badan lagula kacay dad rayid ah oo dhammaan ka wada dhacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Tacadiyada lagu soo bandhigay xarunta Dr. Ismaaciil ee Xaquuqda Aadmiga ayaa waxaa ka mid ahaa xadgudubyada sharafta qofnimo, isticmaalidda xoog siyaasado ah. Waxaa sidoo kale, la soo bandhigay tirada dadka la dilay oo gaadheysa shan boqol iyo sodon qof oo lagu kala dilay goobo kala duwan oo dalka ah iyadoo sidoo kalena la kufsaday sodon iyo kow dumar ah isla sanadkan halka dadka la afduubay ay gaadheyso 185 qof oo inta badan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

C/laahi Calas Jimcaale oo ka mid ah mus’uuliyiinta hey’adda Xaquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa sheegay in dhammaan xadgudubyada la og yahay cidda geysatay.

Munaasbadan ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay qaar ka mid ah dalalka dibadda oo ay ka mid yihiin Kenya, London, Canada iyo dalka Maryekanka iyo waliba gobalo kale oo ka tirsan gudaha Soomaaliya.

Top


Muran Ka Aloosmay Axdi Qarameedka Lagu Sameeyay Shirka Kenya.

Nairobi (Haatuf) – Qodobka 11aad ee Axdi Qarameedka cusub ee dhawaan laga soo saaray shirka Soomaalida uga socda Kanya oo qoraya in la kala saaro diinta iyo dowladda ayey hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirka nayroobi ay dhammaantood diideen.

 Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Muqdisho Guddiga hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa fikrado kala duwan ka muujinaya nuqulka cusub ee Axdi Qarameedka oo sida la sheegay ay soo diyaariyeen aqoonyahano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha dastuurka oo u dhashay dalka Kenya kaasi oo ka kooban 90 qodob.

Qodobka 11 ee dastuurka ayaa ah mid si cad u kala saaraya diinta iyo dowladda iyadoo inta badan hogaamiyayaasha kooxuhu ay ka horyimaadeen.
Qodobkaasi oo la sii kala qaad qaaday ayey faqradiisa koowaad ku qeexeen in he’yadaha dowladda iyo kuwa diinta ay noqdaan kuwa la kala saaro.

Faqradda labaad ee qodbka 11 aad ayey ku qeexeen in Islaamka sunigga iyo mabda’a shaaficyadda ay noqon doonaan diinta Soomaaliya iyagoo sheegay in taasina lagu muujiyo in Soomaaliya aan lagu faafin karin diin aan aheyn Islaam hase ahaatee lagu cibaadeysan karo.

Faqradda seddaxaad ee isla qodobka 11aad ayaa ah in shareecada Islaamka ay noqon karto aasaaska sharciga qaranka oo ay sheegeen in aanay waxba ka qabin.

Waxyaabaha kale ee nuqulka cusub ee Axdi Qarameedka ayaa ah in guddoomiyaha baarlamaanka uu noqdo mid dibadda ka ah xildhibaanada la dooranayo iyadoo inta badan ay hogaamiyayaasha u gudbiyeen in marka hore baarlamaanka la doorto isla markaana guddoomiyaha baarlamaanka uu ka soo dhex baxo baarlamaanka. Wasiirada iyo madaxweynaha ayaa la aqbalay inay noqdaan dad aan baarlamaanka ka tirsaneyn.

Horay hogaamiyayaal iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo  uu hogaaminayay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa soo diyaariyay Axdi Qarameedka iyo dastuurka cusub oo hogaamiyayaasha iyo guddiga farsamada IGAD aanay qaadan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baarlamaanku waa Dawo Bukootay.

Golaha wakiilada amaba barlamaanku waa wadnaha waraabiya labada gole ee wada hawsha qaranka.Kuwaas oo ah kan fulinta,waa golaha wasiirada iyo kan garsoorka. Waa kan xaqiijiya in himmilada shacbigu taabo qaado. Waayo dal dimuquraadi ah, iyagaa haysta awooda uu u igmaday shacab weynahu. Waa golaha haddii uu bukoodo noqonaya daawo bukootay. Waa mid tamartiisu saxi karto qalad kasta ooy galaan golyaasha kale, una gurman kara badbaadinta himmilada dadweynaha.

Sidaas darteed waa in la siiyaa mudnaanta ay leeyihiin. Waa in laga fiirsadaa xulashadooda, lana ixtiraamaa inta ay hawsha hayaan. Waa  in dadweynahu u arkaan inay yihiin qalabkii ay ku dhisi lahaayeen dal iyo bulsho hore -u-marta. Ma aha in laga fadilo wasiirada, hawshoodu ku eegtay kolba inta Madaxweynahu u dhiibo. Barlamaanka waxa awoodda u igmaday dadweynaha, oo ah xididka keliya ee ay ka abuuranto awoodaha kala duwan ooy haystaan hay'adaha kala geddisan ee dawladdu.

Haddaba iyadoo taasi jirto, ayaa waxa kala xidhiidh furmay dadweynaha iyo barlamaanka. Taas oo dhalisay in golahu noqdo mid dawladdu ku meel marsato wax kasta ooy doonayso, sax iyo qaladba. Golahu waxuu noqday shaanbad lagu ansixiyo wax kasta oo amakaag iyo yaab ku rida dadweynaha Somaliland.

Maanta golaha waxa la  horkeenay dhisme dawlad ka kooban 50meeye isagu jira wasiiro,ku-xigeeno iyo wasiiro u yaalo.Waana mid ilmaha yari garanaayo inayna ahayn mid tayo iyo tamar leh, mid aanu qaadi karin dakhliga yar ee dalku. Waxa dhowaan la magacaabay dawladda Kuwait oo ka kooban 14 Wasiir, miisaaniyadeedu tahay 17kun oo milyan doolar, bal ag dhig Somaliland oo miisaniyadeedu tahay 19million oo keliya. Waa yaab. 
  
Haddaba Golahu ma u kala saaray sidii la rabay. Miyeyna ka habboonayn inay soo ururiyaan tirada dawladda oo horta joojiyaan wasaaradaha midba labada iyo seddexda dhashay.

Golaha barlamanku ma waxa uu ragga wasiirada ah ku kala saaray CVga oo keliya. Miyeyna aqoon in CVga waxii la doono la gasho. Habka shaqo qorista habbooni, waxa ay tahay mid isku raacsan in qofka CVga leh la horkeeno golaha oo wax weydiin lala yeesho cidda CVga leh. Habka dawladeed aynu qaadanay, waa mid aasaas ka dhigaaya ansixinta wasiirada oo ku salaysan CVga, wareysi iyo bandhig uu wasiirku soo qadimo wax qabadkiisa hawleed, taas waxaa raacda in wax laga weydiiyo taariikh nololeeydkiisa, waxqabadkiisii hore,akhlaaq xumo lagu yaqaan,sida khamri cabka iyo qaadashada mukhaadaraadka hadday jirto.
Taas waxaa ka daran in barlamaanku ku codeeyo gacan taag, waa mid nidaam darro iyo keeni karta u foodeen ay ka danbeyso laaluush.

Iska daa mansab wasiir, ee ma dhacdo middani in lagu magacaabo xataa maamule xafiis. Ma dhacdo in la oggolaado in qofna qofka kale ogaado sida uu u codeeyey. Warqad liis ah ayuu qof waliba ku qoraa dhibicda uu siiyey tartamaha oo u kala kaxda qaybo kala duwan. Kolkaas ayaa loo dhiibaa marba cidda Guddomiyaha ah oo u gudbisa karaani isu geeya dhibcaha, sidaasaana ciddii heshaa loo magacaabaa, iyadoo aan qofna qofka keli waxuu baxshay garanayn.

Midda kale, waa in la xaqiijiyaa CVgu inuu run yahay, Mansabka wasiirka iyo ku-xigeenku, waxa ay waajib ka dhigaysaa in dadweynahu ogaadaan taariikh nolaloodkooda, kolkaas waa in lagu qoraa jaraa'idka amaba lagu baahiyaa internetka,sida ay falaan dawladaha dimuquraadiga ah,oo mar walba aad heli karto si hawl yar. Taasi waxa ay baajin doontaa been abuur yimaada. Isla markaas waxa iman doonta in dadweynahu la xisaabtamo barlamanku sida ay u codeeyaan.

Barlamaanku isagoo ixtiraam iyo qadaris mudan, ha saxo qaladkiisa oo hays diiriyo, waa tan dhexantii ka kacdee. Dadweynahu ha noqdeen qaar ku xidhan golaha oo tashi iyo tusaale la wadaaga. Taas ayaa inooga hiilin karta khaladaadka looga bartay dawladda.

Ahmed Arwo

ahmed _arwo@yahoo.co.uk

Top


Xaaladda dhaqaale ee Soomaalida Maraykanka.

Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa guud ahaanba dhaqaalaha Maraykanku sii xumaanayay. Markii dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco waxaa yaraada shaqooyinka waxaana sare u kaca qiimaha badeecadda. Markii shaqooyinku yaraadaanna dadka dhibaatadu isla markiiba saamayso waa Qaxootiga iyo dadka kale oo aan xirfado heer sare ah lahayn ama aan lahayn waxbarasho heer jaamicadeed ah. Soomaalidii Maraykanka intoodii shaqaynaysay ayaa isla markiiba laga caydhiyey ama ay ka dhammaadeen shaqooyinkoodii. Intii shaqo raadinta ku jirtayna waxaa baaba’ay rajadoodii shaqo helidda. Dhallinyarada Soomaalida intooda badan hadda waxay ku nool yihiin dhaqaale ka soo gala dowladda oo la yidhaahdo unemployment benefit. Unemployment Benefit waxaa la yidhaahdo barnaamij lagu caawiyo qofka markii shaqadiisu ka dhammaato ilaa muddo lix bilood ah inta uu qofku shaqo kale ka helayo.

Dhibaato kale oo aad u wayn waxaa soo food saartay qoysaska Soomaaliyeed oo Maraykanka ku nool. Sannadkii 1993-dii ayaa madaxwaynihii hore ee maraykanka Clinton soo bandhigay qorshe uu leeyahay waxaa wax lagaga beddalayaa barnaamijka Welfare “Caydha”.

Wuxuu madaxwaynuhu soo bandhigay fikrad ah in laga caawiyo dadka caydha qaata sidii ay shaqo u heli lahaayeen oo ay caydha uga maarmi lahaayeen. Haddaba qorshihii Madaxwayne Clinton waxaa la dhaqan galiyey sannadkii 1997-dii oo la soo rogay sharci dhigaya in qoysaska qaxootiga ku ah Maraykanka ay xaq u leeyihiin caydha muddo shan sano ah oo kaliya, ka dibna laga rabo in qofka mas’uulka ka ah qoyska uu shaqo bilaabo oo reerkiisa masruufto.

Qoysas badan oo Soomaali ah oo ka kooban hooyo iyo dhowr carruur ah ayaa arrintaani ku noqotay dhib soo korodhay. Sida uu sharcigan “welfare reform” dhigayo, waa in hooyo kasta oo Soomaali ah oo da’deedu ka yar tahay 60 jir ay shaqo raadsataa. Dowladda Maraykanku waxay lacag badan ku bixisay in la sameeyo hay’ado caawiya dadka noocan ah sidii ay shaqo u heli lahaayeen. Marka hore qofka waxaa laga caawinayaa sidii uu luuqadda u baran lahaa iyo xirfado yar-yar oo u sahlaya sidii uu shaqo u heli lahaa. Qofkii diida inuu shaqo raadsado ama qaato tababarka noocaan ah muddada shanta sano ah oo caydhu u socoto waa la ganaaxayaa. Ganaaxu inta badan waa in laga jaro qayb ka mid ah ama kulligeedba xoogaagii lacagta ahaa oo uu qoysku qaadan jiray. Si ay taas uga badbaadaan hooyooyin badan oo Soomaali ah oo aabbihii carruurtooda uga soo qaxay xeryo qaxooti ama ay ku kala tageen dalka Maraykanka oo furriinku aad u badan yahay ayaa waxaa dantu ku kalliftaa in ay waagu markuu baryo carruurta inta iskuulka tagta mooyee inta kale u kexeeyaan xannaanada carruurta ‘childcare”, oo ay markaas ama tagaan iskool ay ingiriiska ka bartaan ama ay shaqo raadin bilaabaan. Waqtiga hadda lagu jiro in ay hooyo Soomaali ah oo konton jir ah shaqo hesho waa wax aad u adag. Xitaa dhallinyaradii Soomaaliya jaamacadaha kaga soo baxay ama kuwa hadda ka qalin jabiyey jaamacadaha Maraykanka ayaa dhibaato ka haysataa inay shaqo helaan.

Dhaqaalaha ay dowladdu siiso qoysaska caydha ku nool aad buu u yar yahay. Malaayiin qoys oo Maraykan ah oo inta badan ka kooban hooyo iyo dhowr carruur ah ayaa bishii waxaa soo gala lacag aan ka badnayn $600.00. kirada labada qol, meeshay doonaan ha ku yaallaan waa ka badan yihiin lacagta soo gasha qoysaskan. Waana sababta ay qoysaska carruurta leh oo Maraykanku ay ugu badan yihiin kuwo aan hoy lahayn “homeless”. Waxaa jira guryo ay dowladdu leedahay ama ay dhaqaale ku bixiso in dadka danyarta ah ay kiro riqiis ah ku dagaan “affordable housing”. Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa deggan guryaha noocaan ah. Dhibaatada lagu qabo guryahaan waa iyagoo ku yaal meelo aad u nabad galyo xun ayna ku badan yihiin daroogada, fusuqa, iyo dilku, sidoo kale waxaa xaafadahaan aad uga fog shaqooyinka iyo iskoollada wanaagsan. Qoysas badan oo Soomaali ah oo deggan xaafadaha noocaan ah ayaa carruurtoodu halis ku sugan yihiin xagga akhlaaqda, caafimaadka iyo waxbarashadaba.

Bisha hadda lagu jiro ee June 2002, ayaa waxaa bilaabanaya qoysaskii ugu horreeyey oo dhammaystay shantii sano ee ay xaqa u lahaayeen lacagta caydha ee dowladdu bixiso. Waxaa wax laga naxo ah in qoysaskani ayna wali wax shaqo ah helin lagana goosan doono xoogaagii dhaqaalaha ahaa ee ka soo gali jiray dowladda. Gobollada Minnesota Ohio iyo California oo ay deggan yihiin qoysaska ugu badan ee Soomaalida ahi ayaa ka walwalsan sida laga yeelayo qoysaskan oo haddii laga goosto lacagta cayrta laga baqayo in laga saaro guryaha oo markaas ay Homeless noqdaan. Gobolka Minnesota ayaa waxaa maamulka u socda dood ah sidii loogu sii wadi lahaa “extention” qoysaskan caawimaadda ay dowladda ka helaan. Maamulku wuxuu ka fiirsanayaa qoysaska ay tahay in loo kordhiyo muddada iyo kuwa laga goynayo gabi ahaanba caawimaadda.

Waxaa jira dhowr arrimood oo ka hortaagan in hooyada 50 jirka ah ee Soomaalida ah ay shaqo ka hesho dalka Maraykanka. Waxaa ugu horreeya luuqadda, shaqooyinka uu heli karo qofka aan luuqadda aqoon waa kuwo aad u liita una lacag yar. sidoo kale shaqooyinka oo aad u fog una baahan in qofku baabuur leeyahay. Dumarka Soomaaliyeed oo inta badan haysta carruur badan ayaa waxaa dhib ku noqda inay helaan cid ay carruurta kaga tagtaan inta ay shaqo raadiska ku jiraan.

Xannaanooyinka carruurta ee Maraykanka Soomaalidu kuma kalsoona oo dhaqanka ayaa kala duwan, dadkana intooda badani ma wada heli karaan ehel iyo qaraabo carruurta ay kaga tagtaan. Goobaha shaqada inta badan waxaa dadka lagu amraa inay u soo labbistaan qaab aan Islaami ahayn taasna dumarka Soomaalidu ma oggola inay dhaqankooda iyo diintooda dhaafsadaan shilimaad yar.Iyadoo uu dhaqaalaha Soomaalida Maraykanka aad u yar yahay, haddana dad badan oo Soomaali ah oo dalkii ku nool iyo kuwo kale oo xeryo qaxooti oo adduunka ah ku xeraysanba waxay ku tiirsan yihiin caawimaadda dadkooda Maraykanka jooga oo xil wayn iska saara sidii ay masruuf ugu heli lahaayeen dadkaas dhibaataysan.

Lacagta ugu badan oo loo xawilo Soomaaliida gudaha waxaa dira Soomaalida Maraykan.

Qore: Abdisamad Mohamed.

Top


Gobolka Sool Cidina Kama Saari Karto Somaliland, Mudane C/qaadir Maxamad Xasan (Indho).

Gobolka Sool Cidina Kama Saari Karto Somaliland, Mudane C/qaadir Maxamad Xasan (Indho)

Hargeysa (Haatuf): Mudane C/Qaadir Maxamed Xasan oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto gobolka Sool, ee golaha Guurtida ayaa ka jawaabay maqaal ku soo baxay Wargeyska Haatuf, qoraal uu na soo gaadhsiiyey, wuxuuna qornaa sidan:

“Aniga oo tixraacaya maqaalkii ku soo baxay Wargeyska Haatuf cadadkii soo baxay Jimcihii 25-kii July 03, 382, ee uu qoray Caaqil C/Risaaq Jaamac Cabdi Bile oo cinwaankiisu ahaa “Sool Miyaanay Somaliland ka mid ahayn” iyo ereyo kale oo uu kaga been sheegayo, haddaba waxaan u sheegayaa caaqilka inaanu madaxweyne ku xigeenku odhan waxa aad ku qortay wargeyska oo aanu dal iyo dad toona ka saarin Somaliland, kuna kala qaybin, khudbadda madaxweyne ku xigeenka oo qoraalana anaa haya, goobta uu madaxweyne ku xigeenku ka khudbadaynayey-na waxa joogay joornaaliistayaal ka badan, oo maqal iyo muuqaal-ba ku haya khudbadii madaxweyne ku xigeenka, kumana ay jirin hadalada aad sheegaysaa.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Y uusuf Sh. Madar oo afarta gobol ee bariga ku dhiirigeliyey waxbarashada iyo nin abwaana oo isna ku sheegay gabay uu halkaa ka tiriyey inay goboladu kor u qaadaan tacliinta, waxa kale oo aanu halkaa ku joognay afar xildhibaan oo gobolka Sool ka soo jeeda gobolka Sool iyo arday iyaguna gobolka ka yimid oo jaamacadda dhigta, sidaa awgeed warkaa aad wargeyska ku qortay waa war aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto cid Somaliland ka saari karta gobolka Sool.

Muwaadiniinta gobolka Sool-na way ula siman yihiin kuwa kale Somaliland. Hadii ay cidi dalka kala fogeynayso adaa kala fogaynaya, waayo caaqil ayaad tahay marka aad warkaas oo kale qoraysana waxa ay tahay inaad la xidhiidho xildhibaanadaada, barnaamijka Dawladda ee Sool-na anaa kuu haya.

Gebagabadiina waxa aan kuu sheegayaa in ay sidan ahayd baarigaraafka khudbadda madaxweynaha ee aad soo qaadatay, balse aanay ahayn sidaad u qortay.

Tifaftirka:
Waxaanu ka cudur-daaranaynaa maqaalkii ku soo baxay Wargeyska Haatuf cadadkiisii 382 ee soo baxay 25-kii July 03, cinwaankiisuna ahaa (Sool Miyaanay Somaliland ka tirsanayn), ee uu qoray Caaqil Caaqil C/Risaaq Jaamac Cabdi Bile, kaas oo si khalad ah ugu soo baxay bogga “Odhaahda Akhristaha”, iyada oo aanu cadaynayno in waxa uu ka hadlay aan sal iyo raad toona lahayn.

Top


“Mukhaadaraadka Qaadka Iyo Aqoondarada Halaga Wacyi Geliyo Dhalinyarada,” Waraysi – Q: 2aad – Faysal Muuse Ildab – Ciyaartoyga Caanka Ah Ee Xulkii W. Galbeed ee kubada laliska, oo haatana Tababara Xulka Gobolka Hargeysa.

C/Fataax M. Caydiid

“Somaliland Marna Kamay Dhicin In Dhalinta Yaryar Ee Heerarka Serie C Iyo D Tartan Loo Qabto…”

Hargeysa (Haatuf) – Intii akhrisatay Wargeyska Haatuf, Tirsigiisii 382aad ee maalintii Jimcihii 25/7/2003, bogga Waadiga Ciyaaraha, waxa aanu idiinku soo gudbinay Wareysi dheer oo uu Wargeysku la yeeshay ciyaartoyga iyo tababaraha caanka ah Faysal Muuse Ildab oo ka mid ahaan jiray xulkii Gobolka Waqooyi-galbeed ee kubadda Laliska sideetameeyadii, iyo tababaraha Xulka Gobolka Hargeysa ee sannadkii ugu dambeeyay ku guulaystay koobka Gobollada Somaliland, wareysigaas qaybtiisaa hore oo uu kaga waramay taariikhdiisii ciyaareed iyo tababarnimo. Wareysigaas oo aanu idiinku ballanqaadnay in aanu idiin soo gudbin doono, kaas oo uu kaga hadlay qodobo dhawr ah oo ku saabsan guud ahaan isboortiga iyo gaar isboortiga Somaliland, w waana kan qaybtii labaad ee wareysigaasi:

S: Tabaraha kaa dambeeya maxaad odhan lahayd?

J: Waxaan odhan lahaa tababaraha ama gudoomiyaha iga dambeeya, bal intaadan bilaabin isu keenka kooxda, marka hore waa in la helaa cid masuul ka ah gobol Hargeysa oo u heelan ama heegan u ah kolba wixii baahiya ee ka soo baxa kooxda, haddii ay tahay qalab, hadday tahay gaadiid iyo hadday tahay-ba sharaabkooda, wax alla wixii ay u baahdaan ee ay gobollada kale kala mid yihiin. Run ahaantii waad ogayd gobolka Awdal, halkan saddex direys ayaa looga iibiyay, halka Hargeysa oo ah caasimadii iyo muraayaddii dalkaba ah, aanu ku ciyaaraynay hal direys oo keliya oo ay nagu caawiyeen wasaarada dhalllinyarada iyo ciyaaraha, taasina waa mid ayaan-darro ah. Markaa bal waxaan leeyahay cidii Maamulka iyo cidii kaleba ee ay khusaysaba, waar hala ogaado kooxda ku ciyaaraysa magaca Hargeysa in ay ku ciyaarayso magacii gobolka Hargeysa ee aanay ku ciyaareyn magac Jarmal iyo magac Noorway-toona oo Hargeysa ciddii xukuntaa ka mas’uul tahay dhaqaalaheeda iyo agabkeedaba. Dhallinyaradana waxaan leeyahay waajibaadkiinii markii hore si fiican ayaad uga soo baxdeen, imikana waxaan ku rajo weynahay in aad ka soo baxdaan.

S: Faysal, waxa aad moodaa heerka isboortiga Somaliland ay aad u liidato, oo aanay horumar lahayn, iyadoo aad haddana arkayso jecayl iyo xiise badan oo ay dhallinyaradu u hayaan ciyaaraha kubadda cagta, markaa halkay wax ka si’ yihiin?

J: Horta run ahaantii dalkan in aad hiwaayad ahaan uun u daawato mooyaane, ficil ahaan way adag tahay in loo sameeyo oo maanta waxa ka xoogweyn Qaadka. Shaygan qaadka la yidhaa ayaa dhallinyaradii wadanka u soo kacaysay baabi’iyay. Balse waxaan anigu odhan lahaa dhallinyarada maanta ‘waar marna ha qayillina, marna ha ciyaarina ee hiwaayadiina, caafimaadkiina iyo magaciinuba wuxuu ku jiraa intaad wakhtiga iyo garoomadaba haysataan aad ciyaartaan’ waayo, anigu wakhtigii aan u ciyaari jiray gobolka, meel kasta oo aan Somaliland ka maro waa la iga yaqaannay oo waxa la i odhan jiray ‘wa kaa inankii gobolka u ciyaari jiray,’ markaa magac ahaan ninkastoo ciyaartoy ah way ku filan tahay, haddii uu dhallinyarada kaga soo dhex baxo wanaag, waa nin laaciba iyo waa nin mukhadaarka badsada oo dadka laaya aad bay u kala fog yihiin.

S: Sida aad ogtahayba marka aynu dhinaca isboortiska Somaliland eegno, waxa aad arkaysaa in hoos-u-dhac weyni ku jiro, oo xataa Koonfurta Soomaaliya oo aynu nabadgelyo iyo dhaqaalaba dhaano ay haddana xagga ciyaaraha inagaga horeeyaan, maxaa markaa sababay in ay taasi dhacdo?

J: Horta sidaa ogtahayba Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya marka la is garab-dhigo, run ahaantii aad bay u kala sareeyaan. Laakiin, waxa jirtay Waxgaradkii, odayaashii iyo dhallinyaradii reer Somaliland-ba waxay xooga saareen sidii noloshii, noloshiina waa nabadda, waxaanay isku dayayeen in ay nabad la helo si noloshu u hagaagto. Markaa shir nabad lagaga hadlyo, odhan maysid ciyaaro hala qabto ama dhallinyaradii hala dhiso. Balse marka la helo nabaddii ayaad odhan kartaa waar wixii dhallinyarada ku munaasiba iyo wixii loo baahan yahay haloo qabto. Wax kasta waxa ay leeyihiin kala horeyn, oo haddii aan nabadi jirin ciyaarana ma jirayaan, haddaan dhaqaalena jirin ciyaaro jirin mayaan, haddaan kala dambayni jirinna ciyaarina jiri maayaan. Markaa maanta Al-xamdu lilaah wax walba waynu haysanaa, ee waxa kaliya ee loo baahan yahay in ay dawladdu u soo jeesato oo ay dhallinta u sameyso cid hagta oo masuul ka noqoto sidii dhallinta ciyaaraha ku mashquulsan masuul ka noqota, lamana odhan karo dawladdu waxba may qaban, laakiin dhalliilo ayay leeyihiin, markaa waa in ay wixii dhalliil ah ee ay leeyihiin xagooda iska toosiyaan oo wixii ka dhiman dhallinyarada qalab iyo agabka kale ahba loo dhammaystiro oo loo geeyo. Waxa jira inan la yidhaa Sacad Maxamed Shire oo garsoore ka ahaan jiray ciyaaraha, maamulkana in badan ku soo jiray, waxa loola soo bixi jiray tooriyo iyo qoryo mararka qaarkood, laakiin maanta lalama soo bixi karo qori iyo toorey toona oo halkaa waa laga korey, balse waxaan odhan lahaa waar nimankaa ku mashquulsan maamulka dhallinyarada iyo ciyaaraha wax halala qabto oo dawladdii, golayaashii guurti iyo wakiilladuba hoos ha u eegaan dhallinyaradii iyo ciyaarihiiba.

S: Faysal, markaa ma waxay odhan karnaa dib u dhaca isboortiska Somaliland waa xagga dawladda oo keliya, mise dhallinyarada qudheedu dhalliilo ayay leedahay?

J: Runtii lama odhan karaa taa, balse gacmo wada-jir bay wax ku gooyaan oo haddii dhallinyarada lafteedu qaadkii ku ordayso, dawladdu waxba kama tari karto, markaa dhalliishii labaduba way wada leeyihiin. Haddii dhallinyaradu dhaqdhaqaaq samaynayaan oo codsiyadooda dawladda iyo golayaashaba u geynayaa oo ay wasaaradii la xidhiidhayaan oo ay joogayaan, waxbaa loo qaban lahaa. Laakiin dhallinyaradii qaad iyo hiwaayado kale oo aanad garanayn ayay ku jiraan. Way jiraan oo waad arkaysaa dhallinyaro farabadan oo xiiseeya ciyaaraha oo xataa haddaad tagto sinimooyada waxaad arkaysaa iyagoo buuxiyay oo daawanaya ciyaaraha adduunka, laakiin marka ay noqoto wixii in ficil ahaan loo sameeyo ama loo ciyaaro way ku adkaanaysaa oo waxay ku noqonaysaa wax weyn. Markaa waxaad moodaa in aqoontii dhallinyaradu hooseyso, dhalliisha boqolkiiba sideetan (80%) waxaan odhan lahaa waxaa iska leh dawladda, waayo waxa loo baahan in maskaxdii iyo garaadkii dhallinyarada la kobciyo, hadday noqoto warbaahinta sida; jaraa’idka, idaacadda, telefeeshanka iyo wixii kale ee warbaahinta la halmaala in adeegsado oo horta garaadkooda loo soo jeediyo, taas ayaan dawladda looga baahan yahay, dhalliishana waa la qabaa dawladda oo keligeed maaha.

S: Faysal, sida aynu ogsoonahay isboortiska caalamka waxa qofka lagaga soo bilaabaa wakhtiga uu aad u yaryahay ee carruurta yahay oo heerar kala duwan ayuu soo maraa, si uu ugu barbaaro oo jidhkiisu u barto, laakiin halkan Somaliland ama Soomaaliyadii horeba, waxaad moodaa in dhallinyarada marka ay weynaadaan ama qaadh-gaadh yihiin uun laga bilaabo oo aan marxalad hoose looga bilaabin. Markaa idinku marna ma isku daydeen in aad dhallin aad u yaryar ama carruur yaryarba tababartaan oo aad ku soo barbaarisaan isboortiga kala duwan?

J: Maya, Somaliland kamay dhicin. Waxa jirtay beri nin keliya oo reer Somaliland ah oo la odhan jiray Xasan Xaaji Waraabe ayaa waxa mari jiray oo uu ku wareegi jiray magaalada meelaha ciyaalku ku ciyaarayaan oo dhan, isagoo doonayay sidaa adduunka kale in uu hoosta ka soo bilaabo, markaa wuxuu siin jiray kubaddo iyo wixii qalab kale ah ee uu sidayba, tobankii meel ku ciyaarayaba waxa uu siin jiray kubaddo, carruurtii meel ku ciyaaraysa ee u arkana kubadahaa ayuu siin jiray. Ninkaas mooyee muu jirin kale oo fikiray shabaabka hoosta ha laga soo bilaabo. Run ahaantiina, ciyaartoydeenu kolay way soo ciyaareen kubadda shabaabnimadoodii, sibidh ha ku soo ciyaaro, ama wado ha ku soo ciyaaro, ama garoomada yaryar ee qarsoon, laakiin marka dambe waxay yimaadaan garoomada iyagoo ciyaartoy fiican ah, kii wax ka dhiman yihiina waa loogu daraa, ka kalena kor baa loo sii qaadaa. Laakiin barnaamijkaa C ama D tartan aan u qabano Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga oo ka hadlaysa ma dhicin. Annagu mar waanu soo jeedinay mar aanu siminaar ku jirnay oo waxaan u nidhi; ‘Waar dhallinta kuwii bedeli lahaa hadhow aan hoosta ka soo dhisno oo kuwan waaweyn ee qaadka aynu ka kari la’nahay ee aynu baryayno aynu iska dhaafno,’ balse waxay noqotay hadal uun oo meeshii lagama qaadin. Marna waxa noo soo jeediyay UNICEF oo tidhi dhallinta aynu hoosta ka soo dhisno, laakiin cidina ma qaadan oo sidii uun baa lagu dhaafay. Markaa annagu ninkii aanu is nidhaa tutuntiisa ayaa weyn oo fisilkal ahaan wuu ka ciyaari karayaa Serie A ama Serie B ayuun bay Somaliland isboortigeedu ku dhisan yahay, laakiin heerka C ama D tartan loo qabtay oo dalka ka dhacay ma jiro inta aan annigu ogahay ma jiro.

S: Maxaad u soo jeedin lahayd dhallinyarada Somaliland heer kastaba ha ahaadeene?

J: Dhallinyarada Somaliland, waxaan odhan lahaa ‘waar nimanyow garoomadii way wada bannaan yihiin ee soo buuxiya oo caafimaadkiina ka shaqeeya oo qaadka iska daaya oo kooxaha ku soo biira.’ Waxa jira rag badan oo ciyaartoy ah oo aan wakhti fadhiisin oo qaadkaasi uun fadhiisiyay oo ciyaartoy waaweyn oo dalka ka muuqda noqon lahaa, kuwaana waxaan odhan lahaa waar dib ugu soo noqda garoomadiinii oo is nobbbboleeya.

S: Faysal, haddii aynu u yara leexano ciyaaraha adduunka kale, waxaad nin kubadda cagta aad u xiiseeya, markaa kooxaha aad u xiisayso ciyaarahooda ee aad taageerto waa kuwee?

J: Run ahaantii aniga kooxina lacag iga siinmayso koobka ay qaado, laakiin kooxaha aan lacagta aan ku daawanayso ka bixiyaa ee aan u jecelahay waa; Real Madrid, AC Milan, Inter Milan, Manchester United, Bayern Munich iyo Valencia, ayaa ka mid ah kuwa aan is idhaa way ku raali gelinayaa ee aan habeenkaa aan daawado anigoo raaliya aan ka soo baxo.

S: Ronaldo oo wakhtigan xaadirka ah ku tilmaameen dadku xiddiga adduunka, sidee ayaad adigu u aragtaa?

J: Ronaldo waa ciyaartoy aad u qaaliya runtii, waxaanu soo maray laba marxaladood oo ah wakhtigii uu yaraa iyo kan imika. Markaa aan anigu eego wakhtigii uu yaraa waxa aan barbar dhigi karayay Maradona oo boqorkii kubadda cagta. Laakiin xilligii uu dhaawacmay waxa uu noqday ciyaartoy iska caadi ah oo lafihiisa isku dhawraya ayuun baa anigu u arkaa, taariikhdiisan waxa ay ahayd mid anniga aad ii fajac gelisay. Ciyaartoyda kale ee iyaguna aadka u wanaagsan waxa ka mid ah; Zidane oo ah mucjiso, Roberto Carlos oo isna ah ciyaar fajiciso leh, Rui Costa oo ah ciyaartoy aan kubadda isku dhibin, Shevchenko oo aan anigu runtii u aqaano ciyaartoy nasiib-badan, ciyaartoy kale oo la yidhaa Deco oo ah mid imika soo baxay oo aanay dadka intooda badani aqoon oo ah ciyaartoy aad u wanaagsan.

S: Faysal aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, balse kelmada ugu dambeysa maxaad odhan lahayd?

J: Ugu horeyn Illaahay kheyrka ha ina waafajiyo dhammaanteed. Marka xigta; waar bal dhallintani waa madaxdii beritoole, waana jamhuurkii berito’e, waar bal mukhadaraadkan qaadka, fawaaxishkan iyo aqoon darradan ha lagala dagaalamo oo dhallinta wacyi-gelintooda kor haloo qaado.

Top