Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 384 July 28, 2003

Badheedhaha Wargeyska: Sharci Ma Tahay In Wasiiradii Ansixintooda Baarlamaanku Diiday Ay Hawlahooda Sii Wataan?

Shir Lagaga Hadlayay Xoojinta Maamulka Sool Oo Ka Dhacay Laas-Caanood.

Dawladda Hoose Oo Deeq Calaamado Ah Ku Wareejisay Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka.

Somaliland Forum: Hambalyo Ardayda Ka Qalinjebisay Jaamacadda Camuud.

URURKA DHALINYARDA S/LAND EE ADISS ABABA: “Waxaanu Hambalyeynaynaa Ardayda Ka Qalinjebisay Camuud”.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ee Hargeysa Oo Ka Waramay Sababta Keentay Biyo Yaraanta.

Golaha Wakiilada Oo Ka Dooday Xeerarka Saxaafadda Iyo Ugaadha.

“Waxa Jira Dagaal Istaraatiijiyadeed Oo La Isku Xeeray Inta Sharcigu Maro Iyo…” Shir-Jaraa’id – Yuusuf Ciise (Tallaabo), Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha.

Khilaaf Ka Taagan Qaybsiga Xubnaha Baarlamaanka Ee Shirka Kenya.

Dagaalada Liberia Oo Ku Sii Faafaya Daafaha Dalkaasi.

Madaxweynaha Filibiin Oo U Digtay Askarta Gadooday Ee Ku Sugan Caasimadda Manila.

Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhiirigeliyo Qurba-Joogeena

Madhxinta Af-Soomaaliga.

WAADIGA CIYAARAHA: Somaliland Lions Oo 6-2 Kaga Adkaatay Kooxda Muqdisho Tartanka Qurba-Jooga Reer London.

Hargeysa Spring Water Oo 3-3 Ku Barbaraysay Kooxda Caafi (Burco)

Kooxda Togdheer FC (London) Oo Ka Qaybgalaysa Norway Cup.

Orodyahan Somaliyeed Oo Jebiyay Rikoodhkii Orodka 800m Ee Dalka Sweden.


Badheedhaha Wargeyska: Sharci Ma Tahay In Wasiiradii Ansixintooda Baarlamaanku Diiday Ay Hawlahooda Sii Wataan?

Dhawrista iyo ku dhaqanka distooriga ah ee dalka u dejisani waa waajib saaran qofkasta oo muwaadin ah, si gaar ahna waajibkaasi sii saaran yahay golaha xukuumadda oo xilkeedu yahay fulinta iyo hirgelinta shuruucda dalka. Haddaba waxa jirtay in golaha wakiiladu dhawaanahan ku hawlanaayeen ansixinta xubnaha golaha xukuumada ee madaxweynuhu soo dhisay bilihii ina dhaafay, taas oo golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku horjoogsaday ansixinta shan xubnood oo ka mid ahaa xubnihii golaha xukuumadda (saddex wasiir iyo laba wasiiru-dawle).

Sidaas darteed go’aanka diidmada ah ee goluhu ku horjoogsaday ansixinta sharci fulintiisu xukuumadda waajib ku tahay, kaas oo haddii la fasirana macnihiisu yahay in aanay shanta xubnood ee waayey kalsoonida golaha wakiiladda sii hayn karin xilalkii wasiirnimo ee loo magacaabay. Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah in qaar ka mid ah shantii wasiir ee go’aanka sharciga ah lagu diiday ansixintooda ay ilaa hadda iska sii wataan hawlahoodii.

Maamul sidii wasiiro sharci ku fadhiya, saxeexaana dukumentiyo maaliyadeed iyo kuwo kale oo xasaasi ahba.

Taas oo qaranka u horseedi karta carqalado maamul oo furdaamintoodu mustaqbalka adnaan doonto.

Runtiina inkasta oo dhaliili ku mudan tahay qaabkii golaha wakiiladu u kala reebeen xubnihii golaha wasiiradda ee la horkeenay oo aanay cadayn sababta ay qaarna u reebeen, qaarna u sii daayeen, haddana shaki kuma jiro in go’aankaasi yahay mid sharci ah madaxweynaha looga fadhiyo fulintiisa, dhawristiisa iyo dhaqan gelintiisa, iyada oo wixii taas ka duwan yihiin ka hor imanayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka hirgalay.

Top


Shir Lagaga Hadlayay Xoojinta Maamulka Sool Oo Ka Dhacay Laas-Caanood.

Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay lagu qabtay magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas-caanood shir ay kasoo qaybgaleen mayorka magaalada Laas-caanood iyo aqoon-yahano kale, waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay maayorka Laas-caanood, C/risaaq Maxamed Xasan, waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo nabadgelyada gobolka, waxaanu sheegay haddii aanay jirin nabadgelyo inaan la helayn nolol iyo degenaansho midna. Sidoo kale, Maayorku waxa uu sheegay inay muhiim tahay in lagu ballaadhiyo maamulka Somaliland gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu intaa ku daray haddii aanay dawladdu u tafa-xaydan sidii ay maamulka Somaliland u gaadhsiin lahayd goboladaasi inaanay suurtogal ahayn in la sugo xuduudaha dalka.

Dhinaca kale, maayorku wuxuu digniin u soo jeediyay maamulka Majeerteeniya waxaanu yidhi; “Haddii aanay Majeerteeniya faraha kala bixin faragelinta ay ku hayso dhulka Somaliland iyo xuduudihiisa waxay mas’uul ka noqon doonaan cawaaqib-xumada ka timaada arintaasi.”

Intaa kadib, waxa halkaa ka hadlay Maxamed Cabdi Jaamac oo ku hadlayay magaca aqoonyahanada kasoo qaybgalay shirkaasi, sida warku sheegay isagoo taageeray hadaladii uu ku hadlay maayorka Laas-caanood. Waxa kaloo aqoonyahankaasi ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo si wadajirana loogu hawlgalo ilaalinta dalka iyo dadka Somaliland.

Gebogebadii shirka oo uu xidhay maayorka Laas-caanood, waxa uu halkaasi kasoo jeediyay dardaaran kooban oo uu u jeediyay ka qaybgalayaashii shirkaasi, waxaanu mar labaad carabka ku dhuftay inay dadka reer Sool meel uga soo wada jeestaan midnimada iyo ilaalinta dadka iyo dalka Somaliland. 

Top


Dawladda Hoose Oo Deeq Calaamado Ah Ku Wareejisay Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka.

Hargeysa (Haatuf): Duqa Caasimada Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa shalay ku wareejiyey taliyaha ciidanka nabad-galyada wadooyinka ee Caasimada Hargeysa Maxamuud Cabdi Jaamac qalab calaamadaha wadooyinka ah oo gaadhaya 100 calaamadood oo loogu talo galaay in lagu hagaajiyo wadooyinka.

Qalabkaas oo ahaa qaaybtii ugu horeysay ee lagu wareejiyo taliyaha ciidamada nabad-galyada wadooyinka, waxay ka koobantahay 500 oo calaamadood oo isugu jira calaamadaha loo isticmaalo badbaadinta dadka iyo gaadiidkaba. Iyadoo qaybaha kalena lagu wareejin doono dhawaan sida la filayo.

taasoo ay dawlada hoose ay ku wareejinayso ciidanka nabad-galyada wadooyinka.

Munaasabadii wareejinta deeqdaas waxa ka soo qayb galay duqa caasimada Hargeysa iyo taliyaha ciidamada nabad-galyada wadooyinka oo isagu deeqda ka gudoomay duqa Caasimada Hargeysa.

Duqa caasumad oo kadib wareejinta deeqdan la hadlayey saxaafada waxa uu yidhi: “Inaan calaamadahan samayno waxa nagu kalifay iyada oo maalinba maalinta ka danbaysa ay isa soo tarayaan cabashooyinka ka imanaya dadweynaha, hawshana waxa iska kaashaday Dawlada Hoose iyo Ciidanka nabadgalyada Wadooyinka” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa ku daray: “ calaamadahan maanta aanu ku wareejinay ciidanka nabad-galyada wadooyinka waxa uu dadweynaha ka caawinayaa inay yaraadaan shilalka iyo duqaynta ka dhalata calaamado la’aanta”.

isaga oo duqu ka hadlaayey qorshayaashooda mustaqbalka ee soo socoda waxa uu yidhi: “ waxa jira fikir ah inaanu kala qaybino Basaska iyo Tagaasida, taasi waxay ka caawinaysaa labada dhinacba dhinaca faa’iidada dakhliga iyo yaraynta shidaalka maalin walba ka baxa gaadiidlaydaasi” ayuu yidhi.

Kadib Isaguna waxa ka hadlay munaasibadaasi taliyaha Ciidamada Nabad-Galyada Dawooyinka Taliye: Maxamuud Cabdi Jaamac waxa uu yidhi: “ 100 calaamadood ee kala haga gaadiidka waxaanu dhigi doonaa wadada weyn ee magaalada dhex-marta, iyada oo wax weyn ka tari doonta shilalka ka dhaca magaalada dhexdeeda, waxaanu rajaynaynaa inaanu samayn doono Askariga-Jiifa dhawaan, taas oo iyadu imika loo baahanyahay” ayuu yidhi taliyuhu.

“ugu danbayn waxaanu leenahay dawladu waxay ku dhisantahay dadka, markaa dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa inay ilaaliyaan calaamadaha iyo nidaamkaba”.ayuu yidhi taliyuhu.

Calaamadahan kala haga gaadiidka waxay ka mid tahay hawlo kala duwan oo ay iska kaashandoonaan Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa iyo Ciidanka Nabad-Galyada Dawooyinka ee Caasimada Hargeysa, iskaashigaas oo lagaga hor-tagayo dhibaatooyinka iyo shilalka ka iman kara dhinaca wadooyinka.

Top


Somaliland Forum: Hambalyo Ardayda Ka Qalinjebisay Jaamacadda Camuud.

Ururka Somaliland Forum

Ka: Ururka Somaliland Forum................24-07-2003
Ku: Maamulka Jaamacadda Camuud
Ku: Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Cammuud

Maalintii 23-ka Julay, waxay gashay taariikhda Somaliland, waa maalintii ugu horraysay ee hormadii ugu horraysay ay ka qalin jebiso jaamacadda Camuud ee dalkeenna Somaliland. Haddaanu nahay ururka ay ku bahoobeen qurba joogga reer Somaliland, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa 32-ka arday ee ka qalin jebiyay Jamacadda Camuud, waxaanu hambalyadaa mid la mida u diraynaa maamulka Jaamacadda oo soo bandhigay hawl aad u wanaagsan iyo dedaal hagar la'aan ah, taasoo mudan in lagaga daydo, hoggaaminta wanaagsan iyo daacad-nimada ay ku soo gaadheen heerkan maanta suurto geliyey inay kooxdii ugu horraysay, dhammaystaan waxbarashadoodii jaamacadeed, taasoo ay soo wadeen muddo shan sannadood ah.

Waxaanu markale hambalyo u soo jeedinaynaa dhammaan bulshada reer Somaliland oo hirgeliyey nabad waarta, taasoo suurta gal ka dhigtay in waxbarashada dalku gaadho heer jaamacadeed. Nabad gelyo la'aani waa nolol la'aan, waana ilaahay mahaddii nabadda lagu seexanayo ee lagu soo toosayo. Ugu danbayn waxaanu ku dhiiri gelinaynaa dhammaan inta u heellan, horu-marinta waxbarashada iyo waxqabadka dalka, inay hawshooda laban laabaan, si aynu u higsanno dunida hore u martay.

Haddaanu nahay ururka qurba jooga Somaliland ee Somaliland Forum, waxaanu hawada idiin soo marinaynaa hambalyo iyo duco. Waxaanu ilaahay ka-baryaynaa, inaydin noqotaan kuwii dalkooda iyo dadkooda waxtara, horumarna lagu gaadho, aamiin.

"Aqoon la'aani waa iftiin la'aan". "Arday joogta is-kuulka, odayaal talinaaya ilaahii inna siiyay, isagaa ku abaal leh, way ahaataye maanta si wanaagsan u ciida".

Somaliland Forum.

Top


URURKA DHALINYARDA S/LAND EE ADISS ABABA: “Waxaanu Hambalyeynaynaa Ardayda Ka Qalinjebisay Camuud”.

Anaga oo ah jaaliyada reer s/land ee ku kudhaqan dalka ethiopia gaar ahaana magaalada adis ababa iyo safiirka u fadhiya s/land ethiopia waxaanu hanbalyo iyo bogadin u diraynaa ardayda ka qalin jabisay jaamacada camuud ee gobalka Awdal.  Ardayadaas oo tiradoodu dhanayd 32  ku waas oo 25 kamid ahi ka baxeen kuliyada maaraynta iyo maamulka, todobada kalena ay kaqalin jabiyeen waxbarashada .waxaan kaloon  hanbalyaynaynaa madaxada iyo marti sharafa ka soo qayb gashay xafladaasi.

Ardaydaas oo ah kuwii ugu horeeyeay ee ka qalin jabiya jaamacada camuud tan iyo  markii la aasaasay  4-11-1998   tani oo ka qayb ah  horumarka iyo dadaalka ay muujiyeen reer s/land.

Sidoo kale  waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirynaa gudooomiyaha jaamacada camuud prof. sulaymaan ahmed guuleed. waxaan u rajaynaynaa  ardayda ka qalin jabisay jaamacada camuud inay noqdaan kuwii dalkooda iyo diin tooda anfaca  wadankoodana horu-margaadhsiiya
waxa kale oo aan   ardaydaas usoo jeedinaynaa in ayna isku arkin in ay hawli sidaas ugu dhamaatay iyo waxbarshadii hadaba waxaan ku soo gabagabaynaynaa  hadalkayga aqoontiinu hanoqoto  mid dalka   iyo dadkaba  anfacda  kuna dhiiri galisa   horumar iyo badhaadhe, waxaan ku soo gunaanadaynaa waa in aqoontiinu u guuxdaa sidda  geelu u guuxo.

GUDOOMIYAHA URURKA DHALINYARDA S/LAND EE ADISS ABABA
MR: AMIIN X. CIGE AADAN
MAHAMED CALI  HASAN
C/SHAKUUR CISMAAN GOOD
Jaaliyada reer somliland ee Adis ababa.

Top


Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ee Hargeysa Oo Ka Waramay Sababta Keentay Biyo Yaraanta.

Hargeysa (Haatuf) – Waxa mudooyinkan danbe magaalada Hargeysa laga dareemayay biyo la,aan , iyadoo ay meelaha qaar xaafadaa foostada biyahu gaadhay s/land sh 17000, taas oo sababtay inay bulshada ku dhaqan magaaladu ka qayliyaan haraad. Hadaba si aanu wax uga ogaano arrintaa waxaanu wax ka weydiinay Maareeyaha Wakaalada biyaha ee hargeysa Cumar Boobe oo aanu shalay xafiiskiisa kula kulanay, wuxuuna ka waramay sababta keentay biyo la,aantaa, waxyaabaha u qorshaysan iyo meelaha ay ka sugayaan kaalmo lagu horumarinayo biyaha magaalada hargeysa, laakiin maareeyuhu waxa uu ugu horayn sheegay inay maalmahan soo noq noqonaysay cabasho ku saabsan biyuhu oo dad badani leeyihiin biyo ma helo, balse ay iyagu wakaalad ahaan u arkaan waqtigii ugu fiicnaa ee xaga biyaha intuu uu joogay ,isagoo yidhi,
“intii aan anigu joogay marnaba may dhicin laba iyo toban ceel oo wax shaqaynaya iyo wax heegan ah oo diyaara aanu heerkaa gaadhnay,” laakiin waxa uu xusay inay xiliyada qaar ay jireen lix mishiin oo wada shaqeeyaa , balse aanay ahayn kuwa sii shaqeeya ee ay ciladi ku iman jirtay.

Maareeyuhu waxa uu sheegay inay waqtigan diyaar u yihiin 12 ceel, kuwaas oo sideed ka mid ahi ay mar wada shaqeeyaan, afarta kalena ay heegan yihiin, isla markaana haddii ay 12-ka ceel ay wada shidaan ay jirto mushkilad dhinaca dhuumaha ah oo aanay helayn meel ay soo maraan, iyadoo ay sabab u tahay dhuumaha ka yimaadda ceelashaa oo ah laba dhuumood oo qudha oo soo gala magaalada, kuwaas oo ka yimaadda Geed-deeble oo aan iska xejin karayn sideeddaa ceel ee shaqeeya biyahooda mooyaane 12-ka ceel haddii mar la wada istaadho, isla markaana ma jiraan berkado dhisan oo keyd ahi, wuxuuna yidhi:

“Ilaa la helo dhuun saddexaad biyo badan oo Geed-deeble idiinka yimaadda oo Hargeysa soo galaa oo xoojiya kuwa hadda jira lama helayo,” isagoo Maareeyuhu sheegay in ay daraasad ka sameeyeen sidii dhuuntaas loo hir gelin lahaa, loona kordhin lahaa biyaha magaalada soo gaadha, taas oo uu ku tilmaamay mid u baahan kharash farabadan oo ku kacaysa lacag dhan $1, 800,000 (milyan iyo sideed boqon oo kun oo doollar), wuxuuna Maareeyuhu xusay in ay la xidhiidheen hay’addo badan sidii ay uga caawi lahaayeen arrintaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin ayuu yidhi: “Islamic Bank, UNHCR, EU iyo kuwa kaleba, waananu la xidhiidhnay oo waxaanu ka codsanay siday maal-gelin ugu samayn lahaayeen dhuuntaas iyo afar Barkadood oo laba magaalada yihiin, labana Biyo-khadar yihiin.”

Laakiin Maareeyuhu waxa uu sheegay in aanay wax jawaab ah ka helin hay’adahaas marka laga reebo Islamic Bank-ka oo uu sheegay in ay uga dabacsan yihiin kuwa kale, isla markaana ay wefti u soo direen Somaliland, kuwaas uu sheegay in aanay iyaga la kulmin, balse ay u dhaafeen dhinaca gobolka Togdheer, iyagoo doonaya in ay maal-gelin ku sameeyaan biyaha Somaliland oo dhan, si dadka reer Miyiga ah ee meelaha oomanaha ah jooga ay biyo u helaan, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay rajo fiican ka qabaan in ay wax ka qabtaan biyo-la’aanta ka jirta meelo badan oo Somaliland ka mid ah.

Waxa kale oo uu Mareeyaha Wakaallada Biyuhu sheegay in EU-da laftigeedu maal-gelisay mashruuc dhinaca biyaha ah oo wakhtigan socda, kuwaas oo uu sheegay in ay qayb ka qaadanayaan dhuunta la doonayo in lagu kordhiyo dhuumaha magaalada Hargeysa biyaha keena iyo berkadaha keydka ah ee la doonayo in laga sameeyo Hargeysa iyo Biyo-Khadar.
Maareeyuhu wuxuu intaa ku daray inkastoo qalabka ay ku shaqaynayaan uu iska liito oo aanay biyuhu magaalada wada gaadhi karin, balse aan la odhan karin biyuhu ma wada gaadhaan dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa si kastaba ha u gaadheene, laakiin meelaha taagga ah ay cabashadooda ka garaabayaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay xaafadaha Siinaay, Calaamada iyo Sheedaha, isagoo yidhi; “Marka la yidhaahdo Siinaay, Calaamadaha iyo Sheedaha dadka deggan biyuhu ma gaadhayaan waan ka garaabayaa oo meelo sare ayay ku yaallaan oo biyuhu ma fuuli karaan,” wuxuuna intaa raaciyay in ay dhammaan meelaha kale biyo helaan si ay ku helaanba, laakiin ay jirto carqalad ay dadweynuhu isku abuurayaan, isagoo yidhi; “Magaaladu waa 84 kiloo mitir oo isku wareeg ah, qayb walbana waxa tagga leyn oo leh kaag laga xidho, waana loo kala xidhaa. Waxa kale oo jira 508 kaalmood oo magaalada gudaheeda ah, kuwaas oo baayac-mushtari noqday oo mid waliba doonayo inuu biyaha ugu badan iibiyo si uu u helo lacag badan. Waxa iyana intaa dheer 47 goobood oo lagu sameeyo Jaajuurka, leebaajooyin baabuurta lagu maydho iyo dhismayaal socda, kuwaas oo isticmaala biyo aad u badan. Intaas oo dhammina waxay ku soo biireen biyihii cabitaanka, waxaanuna dhawr jeer annaga iyo Wasaarada Macdanta iyo Biyuhu amar ku bixinay in wixii dhisme ah iyo baabuur maydhis ah in ay Darar-weyne iyo Arabsiyo ka soo dhaansadaan.”

Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay jirto mushkilad ay dadku abuurayaan, taas oo uu sheegay in ay tahay meelaha kaaggaga biyaha marka la xidho in ay habeenkii lacag isticmaalaan oo ay yidhaahdaan ha naloo furo ama ay jebiyaanba qufulada lagu xidho kaaggagaa, kadibna biyaha la furto. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay jiraan dad saacadaha biyaha dib u celiya marka ay arkaan in ay lacag abadan ku qortay, waxyaabahaas oo uu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin waxyaabaha biyo yaraanta keenaya meelaha qaarkood.

“Markaa waxaan qabaa Hargeysa in aanay biyo la’aani hayn intaan ka garaabay mooyaane, balse waxay dadku u baahan yihiin in wax loo sheego oo lagala hadlo dhibaatooyinka ay iyagu isku abuurayaan,” ayuu yidhi Cumar Boobe, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Maareeyaha oo ka jawaabaya su’aal ahayd “In aanay Wakaaladda biyuhu wax horumar ah samayn, mar walbana ay sheegaan in ay rajaynayaan mashaariic lagu horumarinayo biyaha,” waxa uu yidhi: “Ballanqaadyadaa hore waxa noo fulay oo noo soo dhammaaday mashruuc 1, 441,000 (Milyan, afar boqol, kow iyo afartan kun) oo lacaga Euro-ga ah (Midowga Yurub), iyadoo ay kooxdii fulinaysay yimaadeen qaarkood, kuwii kalena ay toddobaadkan gudihiisa imanayaan, waxaana la doonayaa in la sameeyo meel dabka mishiinada ceelasha biyaha laga wada xukumo (power center) iyo in ceel walba loo sameeyo dhaam isaga biyaha u joojiya, si ay u kordhiyaan maaxda biyaha.”

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay mashuurcan ku jiraan qaybo tababaro iyo xisaabaadka ah oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha, si ay wakaaladdani u noqoto wakaalad caalami ah oo xidhiidh la yeelata hay’adaha caalamiga ah ee biyaha ku shaqo leh.

Top


Golaha Wakiilada Oo Ka Dooday Xeerarka Saxaafadda Iyo Ugaadha.

Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiilada Somaliland oo soo gebogebeeyay golaha cusub ee wasiirada uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Rayaale, ayaa shalay guda-galay dooda xeerka saxaafadda oo beryahan dambeba aad looga hadal hayay magaaladan Hargeysa, waxaanu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, Axmed Maxamed Qaybe, soo hordhigay golaha mooshin ka kooban xeerka saxaafada, xeerka shaqaalaha, xeerka garsoorka iyo ka ugaadha iyo shimbiraha. Hase yeeshee, mudanayaashu waxay doorteen inay ka doodaan marka hore ka saxaafadda, waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay xildhibaan Maxamuud Xaashi, waxaanu sheegay inaanay maanta ahayn xiligii la cabudhin lahaa saxaafadda xorta ah ee madaxa-banaan isagoo yidhi; “Caalamku maanta wuu dhaafay cabudhinta saxaafadda xorta ah iyo in loo caga-jugleeyo toona.”

Intaa kadib, waxa isna halkaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada Somaliland, Md. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, isagoo sheegay inay dhawrkii sano ee ina dhaafayba uu xeerka saxaafaddu horyaalay G. Wakiilada, balse aanay weli ka doodin ansixintiisa iyo diidmadiisa toona, waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay inaan waxba dib loo dhigin dooda xeerkaasi ee siduu yahay looga doodo maanta, isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Xeerka Saxaafaddu ilaa iyo 1997-kii wuu ina horyaalaa welina maynaan ka hadlin, markaa maanta aniga waxay ila tahay in loo daayo saxaafadda xeerkooda ay iyagu leeyihiin.”
Mudane Jirde waxa uu sheegay caalamka inay saxaafad waliba leedahay xeerar u gaar ah oo ay ku dhaqanto, sidaasi darteed loo daayo xeerkooda u gaarka ah ee ay iyagu samaysteen.

Haddaba markay doodu halkaasi maraysay waxa mikrofoonka la wareegay Mudane Qaybe, waxaanu soo jeediyay in guddi isku dhafan oo ka kooban labada dhinac ee saxaafadda iyo golaha wakiilada loo saaro arrinta ku saabsan dooda xeerka saxaafadda, waxaanay mudanayaashu ku raaceen arrintaa uu soo jeediyay guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay guddoomiyuhu inuu isagu soo xuli doono dhinacyada guddigaasi.

Haddaba, markii ay mudanayaashu ka faraxasheen doodii xeerka saxaafadda, waxay gudagaleen xeerka Ugaadha iyo Shimbiraha, waxaanu guddoomiyuhu sheegay inuu golaha horyaalo xeerka Ugaadha iyo Shimbiruhu, kaasoo ay golaha Guurtidu hore u ogolaadeen in la dhoofin karo qaar ka mid ah Ugaadha. “Maanta waxaad la socotaan inay Guurtidu ogolaatay dhoofinta qaar ka mid ah ugaadha iyo shimbiraha, haddaba intii arrintaa ogolay gacanta taaga,” ayuu yidhi Md. Qaybe.
Haddaba tirada Mudanayaashii shalay ka soo xaadiray madasha fadhigaasi oo dhamaa 44 mudane waxa ogolaaday in la dhoofiyo ugaadhaasi 21 mudane, halka ay ka diideen 23 mudane. Waxaanay mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku hor istaageen xeerka dhoofinta Ugaadha iyo Shimbiraha.
Hase yeeshee, waxa jiray qaar ka mid ah mudanayaasha laga codka batay oo ku dooday in la dhoofin karo ugaadha iyo shimbiraha. “Waar ma waxaad leedahay Madaxweynaha dalka oo dhami ma dhoofin karo xabad yar oo shimbir ah,” sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah mudanayaasha ogolaaday in la dhoofin karo shimbiraha iyo ugaadha oo ku dooday inaan xaq loogu lahayn Madaxweynaha in la yidhaahdo ma dhoofin kartid shimbiraha iyo ugaadha dalka.

Top


“Waxa Jira Dagaal Istaraatiijiyadeed Oo La Isku Xeeray Inta Sharcigu Maro Iyo…” Shir-Jaraa’id – Yuusuf Ciise (Tallaabo), Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha.

Hargeysa (Haatuf) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha, Yuusuf Ciise (Tallaabo), ayaa shalay ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Gobolka Sanaag iyo Beelaha wada degga, isla markaana ka sheekeeyay taariikh ahaan Gobolkaa iyo sidii ay beeluhu u wada degganaayeen, isagoo aad u dhalliilay Beesha degta Bariga Sanaag oo uu ku tilmaamay mid mawqifkeedu gebi-dhaclaynayso.

Wasiir ku-xigeenku oo xafiiskiisa ugu waramayay Saxaafadda, waxa uu yidhi: “Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa warbixin kooban oo ka hadlaysa xaaladda Gobolka Sanaag ee shalay iyo maanta oo maalin walba mashaakilkeedu Jaraa’idka ku yaallo, isla markaana Badhasaabka la geeyaa uu si kale uga go’aan qaato waxyaabaha dhaca.”

Mudane Tallaabo, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in loo baahan in lays weydiiyo shalay iyo maanta Sanaageey maxaad ahayd, waxaanu yidhi: “Mujtamaca 13-kii sannadood ee u dambeeyay marba si ayaa wax loogu qorayay, markaa waa in aan maanta far waaweyn wax ugu qoro,” wuxuuna intaa ku daray in ay Sanaag leedahay Taariikh guun ah oo ka soo bilaabanta ilaa Faraaciintii oo ay xarun u ahayd ilaa Masar, waxaanu yidhi: “Sanaag waxay leedahay Taariikh guun ah, waxaana mar loo yiqiinay dalka Udugga iyo Illaahyada, marna waxa loo yiqiinay ‘Qaryatul Awliya’ (Tuulladii Awliyada), iyadoo 1600 C. H. sida ay taariikhdu sheegtay ay mar walba ahayd xarun Boqortooyooyin fac weynaa oo iskaga kala dambeeyay dunida, ilaa taariikhdii Sheekh Isaxaaq-na intaa laysku haystay oo ay ahayd xarun maalinba qolo laga riixayay.”

Wasiir Ku-xigeenku, waxa uu tusaale u soo qaatay taariikhdii Magaado iyo Sheekh Isaxaaq, Maamulkii Turkiga iyo Ingiriisku sidii ay dhulka ula kala wareegeen, meelwalba reerka deggenaa iyo sida degaamadu u qoran yihiin marka dib loo eego bogaagtii laga qoray oo sheegay in wakhtiganna laga helayo Wasaaradaha dalka gudihiisa, waxaanu yidhi “Buugaagtaas waxa ka mid ah buug uu Ingiriisku ka qoray 1925-kii oo uu ku sheegay in ay Sanaag deggen yihiin 14 reer oo Isaaqa iyo daaroodku ugu da’da yari ugu tiro badan yihiin.”

Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in wakhtigii Ingiriiska ay ahayd degmo qudha oo laga xukumo gobolka Togdheer, wakhtigaa oo ay lahayd shan mudane, balse laba Degmo laga gooyey, kuwaas oo kala ahaa Laasqoray iyo Gar-Adag.

Sanaag waxay soo martay laakiin 1960-kii ay ahayd Sanaag markii ay xuquuqdeeda siyaasadeed qaadatay, wuxuuna xusay inay Sanaag soo martay marxalado isaga oo yidhi “Markii Somaliland la xoreeyey dalkii wuu qaybsamay, degmo walibana waxbay yeelatay, Deegaan Warsangelina wuxuu noqday degmada Badhan, dadkii kale saddex qolaa ku soo hadhay Ceerigaabo, oo ay ugu waaweyn yihiin Habar Jeclo Bari, Habar Yoonis Bari, Dhulbahante Bari, iyo laamo yar yar oo aanay ku jirin Ugaas Labe, Curdudub iyo L’o jiri,”.

Wuxuuna intaa ku daray in wakhtigan loo sameeyey gobolkaa toban degmo, kuwo la wadaago iyo kuwo aan la wadaagin, iyada oo uu sheegay inay reer Sanaag waxna wadaagaan, waxna aanay wadaagin, tobankaa degmo xubno badan oo ay ku yeesheen baarlamaanka oo magacaabid ku yimid, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “tobankaa degmo waxay baarlamaanka ku yeesheen xubno badan, oo la soo magacaabay, iyada oo beesha Warsangeli yeelatay wax ka badan beelaha kale ee reer Sanaag oo dhan, hadday tahay golayaasha iyo haday wasiiradda tahayba, taas oo keentay in haddii la isku geeyo waxa kale ay ka badanayaan iyagu, waxa kale oo jirta dagaal istiraatijiyadeed oo la isku xeer-xeeray inta sharcigu maro, iyo inta siyaasadu marto, sida golaha guurtida, golaha wakiiladda, guddiga diiwaan gelinta, komishanka doorashooyinka, maxkamadda sare iyo wasaaradda Cadaaladda, intii sharcigu marayey, dabadeedna waa lana hareereeyey, oo waxa la hareereeyey beelihii kale oo dhan, xuquuqdoodii siyaasiga ahaydna waa laga batay, sidaasaana loo weerarayaa wax walbana wadar baa lagu fulinayaa, waxaana samaysantay istiraatiijiyad duleed oo siyaasi ah, oo waxaanu dib u xusuusanay buugii “Army of soldiers,” ciidankii askarta ahaa halgankiibuu ku hadhay, taariikh cusub iyo dagaal cusub ayaa bilaabmay, siyaasadiina sidaasaa loo xoreeyey, taasina waxay keentay in qalinkii dawladuba, qalin in gaar ahi sidato oo weerarkiisa leh, reer Sanaag-gii kalena waxay noqdeen kuwo afduuban oo xuquuqdoodii aasantay, laga soo bilaabo doorashooyinkii aftida tobankii degmo saddexdii jiida Warsangeli waa fuleen oo waa la aqoonsaday, Gar-Adag iyo Ceerigaabana waa lagu daray, shantii kalena waa la duudsiyey, si ay beesha Warsangeli u noqoto 69% gobolka Sanaag, oo ay ugu bataan dadka gobolka Sanaag, taasina suurta gal maaha, markaa haddii beelahaa wax loo garsoorayo, maamulkuna waa garsoorka.”

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha nabadgelyada, qaybsiga siyaasadda, ka dhulka, wax isu celinta iyo dabarka nabadgelyada, kuwaas oo uu sheegay inay ku qoran yihiin Axdi beeleed, isla markaana ay kuwaa ka reeban yihiin qaylada dhulka ee maalin walba taagan ee ay ku soo dhuumanay siyaasadda Puntland, beelahana la iskaga horkeenayo, isaga oo yidhi “Siyaasadda waxa madaxda halkan joogtaa ay wado, qaadhaankeeda dibada laga keeno, axdiyadaa ay beeluhu wada galeen dhamaantood kii Burco, ilaa kii Ceerigaabo, oo ahaa go’aan caam ah oo beelaha Sanaag leeyihiin, waxay ahayd in xeerarkaa dib loo wada eego oo lagu dabakho maamulka dawliga ah, iyada oo loo eegayo waxa ay kala qorteen.

Qawaaniinta dawliga ah xafiis iyo xeer-beegti baa la kala yidhaahdaa, iskuma khaldaan dadka maamulka yaqaanaa, sidaa awgeed Axdiyada nabada ee beelaha Sanaag waxa ka mid ahaa in la isku celiyo dhul beereedka, hantida ma guuraanka ah iwm, kuwaas oo inta badan la fuliyey.

Waxa kale oo axdiyaddaa beelaha Sanaag ku jiray wixii shan nin gaadha ee mu’aamaraad ka shaqeeya mid siyaasiya iyo mid kaleba, shan boqol oo milyan in laga qaado midkiiba qolada beeshooda, balse badhasaabadu iyaga oo aan intaa ogeyn ayuu ninkii la geeyaa iyo wasiirkii galaaba go’aan iska qaataa”.

Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in marka laga hadlayo wax qaybsiga beelaha la helayo hab loo raaco, iyada oo qolo walba 60-kii la qoray, mana aha taasi mid muran ku jirta.

Mudane Talaabo, wuxuu sheegay in markii la ansixinayey koox wasiiro ah oo uu la socday ay dhinac ka wada mareen mudanyaasha deegaankaasi, iyada oo raggii ka horeeyeyna sida uu sheegay hal dabala loogu footeeyey, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Ninkii mucaaradka noqday ee shalay la soo magacaabay markii foodkiisii baxay, iyo kuwii Sodere ka yimid, saf baa la iga wada maray, iyada oo aanu lahayn intaas oo mucaahado, waxa dhinaca la iiga wada maray waa dagaal cusub oo aan kii hore ee SNM ahayn, nin aan foodba bixin markii la iga saraysiiyey ayey caddaalad daraduna dhacday Hadhuubkaygana waxa ka dhiman ee ka Somaliland-na ka dhimani waa caddaaladda”.

Mudane Talaabo, waxa uu cambaareeyey beesha bariga Sanaag, isaga oo soo bandhigay cadaymo uu ku sheegayo inuu Suldaanka beeshaasu kaga qayb galay abaabulka ciidamo iyo maamul ka dhan ah Somaliland, kuwaas oo uu qaarkood qoraal ahaan ugu diray maamulkii kooxda Carta, waxa kale oo uu sheegay in raggii C/laahi Yuusuf u soo magacaabay maamulka gobolka Sanaag ay ku jiraan golayaasha Somaliland, isla markaana waxa uu cambaareeyey qaabka lacagta Somaliland looga xakameeyey gobolka Sanaag, isaga oo sheegay in lacagtaa lagu bedelo Dollar, dabadeedna dollar-kaa lagu soo iibsado giimbaarta Puntland, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada Somaliland u diiwaan gashani ay qaataan lacag giimbaar ah, taasina ay keentay in lacagtii Somaliland baanka iska taalo.

Top


Weftigii Sahanka Ahaa Ee Africa Oo Gaadhay Muqdisho

Muqdisho (W.wararka) – Waxaa magaalada Muqdisho gaadhay wafdigii sahanka ahaa ee hub ka dhigista Soomaaliya ee ka socday ururka Midowga Afrika, kaasoo ilaa 22-kii bishan booqanayey goobo dalka Soomaaliyaa gudihiisa ah gudihiisa ah.

Wafdigani oo ka soo degay garoonka Dayniille waxay ku soo degeen hoteelka Saxafi, halkaasoo sida ay sheegeen ay ka billaabayaan wadatashiyo ballaadhan oo lala yeelanayo dhinacyada Muqdisho. Wafdigan oo uu hoggaaminayo Colonel Cabdulxamiid Khaliifi oo ka socda ururka Midowga Afrika, isla markaana uu la socdo Cabdalla Mubaarak oo ah kaaliyaha xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta dhinaca arrimaha Soomaaliya iyo afar xubnood oo kale ayaan kula kulmay hoteelkooda saaka, halkaasoo ay kula kulansanaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska dowladda KMG ah.

Wafdigan oo ka cadhaysan warar badan oo la isla dhex maray ilaa shalay kaddib markii lagu soo dhoweyn waayey magaalada Beledweyne ayaa Shalay soo saaray war ay ugu talogaleen saxaafadda waxayna ku sheegeen warkoodaasi in ujeeddada socdaalkooda ay tahay in ay wadatashiyo hoose la yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda, taliyeyaasha ciidamada ee ururrada iyo kooxaha Soomaaliyeed iyo weliba duqeyda si loo cayimo baraha la dejin karo ciidamo ka socda Midowga Afria oo ilaalinaya xabbad-joojintii ay Soomaalidu ku soo heshiisay dalka Kenya dabayaaqadii sannadkii hore.

Sidoo kale, waxay wafidigu daraaseynayaan goobaha xafiisyo looga dhigi karo, goobaha jiif looga sameyn karo iyo xarumo xagga maamulka ah si ay ciidamadaasi u helaan meel ay ku soo hiran karaan isla marka ay yimaadaan dalka. Iyagoo ulajeeddadaasi ka duulayana waxay wafdigu warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in ay soo booqdeen degmada Luuq ee gobolka Gedo, gobollada Puntland, Beledweyne oo aan lagu soo dhoweynin iyo Baydhabo iyo hadda oo Muqdisho ah iyagoo welibana u sii dhaafi doona gobollo kale.

Shalay waxay wafdigu la kulmeen saraakiisha dowladda KMG ah, waxayna soo booqdeen xarunta dugsiga sare ee booliska, isbitaalka Mediina ee booliska iyo weliba xerada booliska ee Lafoole, CID-da iyo xerada daraawiishta.

Halkaasoo loogu soo bandhigay wafdiga diiwaanka falal dembiyeedyada dadka dembiyada ka galay Soomaaliya, iyo astaamaha farahooda oo laga soo billaabo sannadkii 1941 ilaa 1990-kii oo intaasi lagu hayey keyda dembiyada sida uu sheegay Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale oo ah afhayeenka booliska dowladda KMG ah, waxayna intaasi kaddib ballantoodu ahayd la kulanka qeybaha kale ee Muqdisho, iyagoo farriimo u kala dirsaday dhammaan kooxaha.

Magaalada Beldeweyne oo aanan socdaalka wafdiga laga soo dhoweynin shalay ayaa nafsad ahaanteeda ay ka muuqata in aanan la isku raacsanayn sidii ay wax u dheceen. Ku-Simaha guddoomiyaha gobolka, Cabdullaahi Cabdi Cali Koofi ayaa sheegay in wixii dhacay ay ku dheceen is-afgaran waa iyo wada xidhiidh xumo ee aanay jirin dhibaato kale, dadka reer Hiiraanna ay soo dhoweynayaan wafdiga waase haddii loo sii sheego socdaalkooda oo ayna ku talogalaan.

Laakiin, dhinaca kalena wararka ka imaanaya degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Shalaay uu halkaasi gaar ahaan dhinaca koofurta magaalada ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo wafdigaasi, waxaana uu Xuseen Cabdulle Aw-Cali oo ka mid ah duqeyda degmadaasi sheegay in aanay sinna u aqoonsan doonin wixii ay keenaan wafdigaasi oo uu ku eedeeyey in uu dad gaar ah u shaqeynayo.
Si kastaba ha ahaatee, mar aan xubnaha wafdiga arrintaasi ka wareystay waxay ii sheegeen in magaalada Gaalkacyo masuuliyiinta ay kula kulmeen ay ku jiraan rag ka wakiil ahaa kooxaha ay kala hoggaamiyaan Xuseen Maxamed Caydiid iyo Cismaan Xasan Cali Caato.

Socdaalka wafdigani waxa uu ka dambeeyey warbixin ay guddigii xaqiiqo raadiska ahaa ee booqday Soomaaliya 22-kii May ilaa 2-dii Juune ee sannadkan u gudbiyeen xarunta ururka Midowga Afrika, halkaasoo ay ka muuqatay in Soomaalidu ay ka codsatay beesha caalamka in la helo ciidamo caalami oo gacan ka geysta hub ka dhigis laga hirgeliyo Soomaaliya.

Top


Khilaaf Ka Taagan Qaybsiga Xubnaha Baarlamaanka Ee Shirka Kenya

Mbgathi (W.wararka) – Waxa muuqata in shirka Soomaalida ee kenya uu hadda marayo meel aad iyo aad xasaasi u ah, oo wax kasta laga filan karo, haatana ay kooxaha ka muuqato kala fogaasho weyn oo la xidhiidhaa cida qeybineysa xubnaha baarlamaanka, waxaa kale oo aad loogu kala fog yahay arrimaha la xidhiidhaa federaalka.

Dowladda KMG-ka ah ayaa ilaa iyo hadda khilaafkii u dhexeeyay aan wax xal ah loo helin, natiijo wax ku ool ahna aan laga gaadhin waawaantii laga dhex waday madaxweynaha dowaladda KMG-ka, Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Ra'iisal Wasaarihiisa, Xassan Abshir Faarax iyo gudoomiyaha baarlamaanka, Cabdalla Deerow Isaaq.

Sida ka muuqata nuqulada dastuurka la gudbiyay ma jiraan wax isbedel weyn ah oo lagu sameeyey qodobadii lagu marunsanaa. Waxaase la bedalay oo luqadda rasmiga ah ee dalka laga dhigay luqada Carabiga sida tan Soomaaliga.

Dhamaanba kooxaha ka qeyb galaya shirka ayaa fikradahooda ka dhiibteen dastuurka cusub ee ku meel gaarka iyo sida ay u arkaan, kaas oo la filayo in todobaadka soo socda lagu ansixiyo shir weyni ay isugu imaanayaan ergooyinka shirka ka qeyb galaya.

Dhanka kale, Warsaxaafadeed uu soo saarey Muuse Suudi Yellow oo ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiita Soomaalida ee hadda ka socda dalka Kenya, ayaa waxuu sheegay in ay lama maarmaan tahay in talaabada ugu horeysa ee dib u heshiisiinta in ay noqoto mid lagu heshiisiinayo kooxaha ay colaaduhu u dhexeyso.

Kuwaas oo ay ugu horeeyaan sida uu Muuse Suudi ku tilaamay warsaxaafadeedkiisa, hogaamiyeyaasha hadda shirka ka qeyb galaya, oo ay colaaddu u dhaxeyso.

Muuse Suudi waxaa uu ka digay haddii ayna taasi dhicin in uuna shirku marnaba noqon karin shir lagu tilmaami karo mid dib-u-heshiisiineed.

Muuse Suudi waxaa uu intaa ku daray, in ay hadda muuqato in mudadii sagaalka bilood aheyd ee uu shirku socoday in ayna jirin haba yaraatee cid la heshiisiiyey ilaa iyo hadda.

Balse ay jirto, kooxo hore heshiis u ahaa in ay ka dhex aloosan tahay colaad cusub. Sidaa darteedna ay adag tahay in kooxo aan heshiis aheyn ay wada dhistaan dowlad loo dhan yahay.

Muuse Suudi oo ka hadlayay dastuurka hadda lagu muransan yahay ayaa waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay, in la sameyn karo axdi qarameed ka turjuma xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay oo la isla wada ogol yahay, marka ugu horeyntii heshiis dhab ah la dhex dhigo dhamaan kooxaha ay colaadu u dhexeyso.

Ka dibna loo gudbi karo awood qeybsi ku dhisan cadaalad, laguna dadaalo in cid kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay si looga wada qeyb galo meelmarinta maamulka la rabo in lagu dhiso shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi.

Muuse Suudi waxaa uu kula taliyay dowladdaha safka hore, iyo kuwa shirka taageera iyo ururada caalamiga ah sida Qaramada Midowbay, Ururka Midowga Yurub, Ururka Jaamacada Carabta iyo kan Midowga Afrikaba in ayna siinin taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba, maamul kooxeed ayna Soomaalidu u wada dhameyn.

Ugu danbeyntiina waxa uu Muuse sheegay in uu ka soo horjeedo wax kasta oo shirka lagu marin habaabin karo, keenina kara khilaaf iyo dagaalo cusub oo barakac abuura.

Top


Dagaalada Liberia Oo Ku Sii Faafaya Daafaha Dalkaasi.

Manrovia (W.wararka) – Dagaal xoog leh ayaa ka socoda meel ku taala Barriga Liberia oo ku dhow magaalada labaad ee dekada leh ee Buchanan, waxaana dagaalkaa ku jira mucaaradka cusub ee dalka ee Dhaqdhaqaaqa Dimquraadiyada ee Liberia ama MODEL.

sida ay sheegayaan wararka ka imanay Liberia in kumannaan qof ay u qaxeen magaalada Buchanan si ay uga fakadaan dagaalka ka socoda caasimada Monrovia.

Mucaaradka iyo dowladda ayaa labaduba waxay sheegayaan in ay ka baqayaan in dad badan oo rayid ah ay dhibaato soo gaadho, iyadoo uu dagaalku hadda ku sii fiday barriga dalka.

Madaxweynaha ay xaaladu ku xuntahay ee Liberia, Charles Taylor ayaa mar kale ku celiyay banaanbixii maalinta madaxbanaanida ee lagu qabtay magaalada Monrovia in uu iscasilayo, hase yeeshee muu cadeyn waqtiga uu iscasilayo.

Top


Madaxweynaha Filibiin Oo U Digtay Askarta Gadooday Ee Ku Sugan Caasimadda Manila.

Manila (W.wararka) – Haweeneyda madaxweynaha ka ah dalka Philippines, Gloria Arroyo, ayaa u qabatay waqti kama danbeysa ah ciidamada qabsaday dhisme leh dukaamo badan oo laga ganacsado oo ku yaala badhtamaha magaalada Manila.

Ciidamadan gadooday ayaa dalbanaya in haweyneyda madaxweynaha ahi iyo wasiirkeeda Gaashaandhiguba ay labaduba iscasilaan.

Waxayna ku eedeynayaan maamulkeeda musuqmaasuq iyo iyagoo been abuura weeraro argagixiso si deeq uga helaan dowladda Mareykanka.

Hase ahaatee, ciidamadan gadooday ayaa waxay ku adkeysanayaan in ayna isku dayeyn in ay dalka xoog ku qabsadaan.

ku xigeenka taliyaha ciidamda Qalabka sida ayaa sheegaya in dowladdu ay iskudayi doonto in ay wadaxaajood la gasho falaagada si xiisada loo soo afjaro.Afhayeen u hadlay ciidamada gadooday ayaa xaqiijiyay in ay waxyaabo qarxa ku rakibeen dhismahaas oo ay ku yaalaan hoteelo iyo guryo kale oo khaas ahi.

Wariyayaasha ku sugan Manila ayaa sheegaya in inta badan ciidamada qalabka sida ay u muuqdaan in ay daacad u yihiin dowladda, oo ay jiran khatar degdeg ah oo dowladda ku soo food leh.

Top


Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle.

Waa tuullo yar oo ay ku noolyihiin dad taajiriin ah iyo kuwo fiqiiriin ah. Waxa dhammaaday fasaxii sannad dugsiyeedkii dhamaaday. Arday aad u fara badan ayaa ku guulaysatay imtixaankii ay ugu wareegayeen dugsi sare. Ardaydaas waxa ka mid ahayd Ilhaan. waxay ka dhalatay qoys dan yar ah. Labadeeda waallid iyada oo qudha ayey ka naxaan wax ubad ah, da’dooduna hadda waxa ay joogtaa gabaabsi oo wax rajo ah oo ay ka qabaan ubad ay dhalaan ma jirto.

Subax hore ayey ahayd, waxay saacaddu cago cagaynaysay xilligii dugsiga la gelayey. Waxa wada taagan Ilhaan iyo saaxiibaddeed saynab “saaxiibeey casharradani kuwii hore way ka adagyihiin, uma jilicsana sidii kuwii aynu soo dhaafnay” ayey saynab tidhi.

“Haddii aad gabadh tacliin u timi tahay, marka uu macallinku wax kuu sharxayo ayaad dhegaha u raaricin doontaa, haddii kale ood ka fikirto wiilkee ayaa dugsiga ku cusub iyo wiilkee ayaa ugu labbis fiican, weligaa waxba baran maysid.

”Naa haddii adiga faqrinimo lagugu nacay, anigu naag heer sare ah ayaan ahay oo kugu dul shiiqinaysa labbiska, oo marka aniga la I arko adigu waxbayahay baad ka tahay agtayda”. Markii ay intaa tidhi saynab ayey aragtay wiil aad u labbisan oo qurux badan oo gaadhi kala jiidan ka degaya. Intay u tagtay ayey tidhi “ barasho wanaangsan, magacaygu waa Saynab”. “Barasho wanaagsan, anna Bilis ayaa la I yidhaa”.
Saynab: “marley dugsiga waad ku cusub tahay ayaan filayaa”.

Bilis: “Haa, maanta ayaaban imid halkani oo waxaan u soo beddeshey dugsigan.”

Saynab: “Inna wadi aan kusoo wada baro Dugsiga, ardayda iyo asxaab cusub oo aad marlay halkan wada joogi doontaan.”

Bilis: “ Raalli iga ahow, wakhti uma hayo barasho aanay dani iigu jirin e.”

Saynab: “ marlay ardayda inaad is barataan waa lagama maarmaan…”.

Bilis: “ Raalli baad mar labaad iga ahaan”.

Goobtii ayuu kaga dhaqaaqay. Iyada oo weli sii eegeysa oo hoos u xamanaysa ayey Ilhaan u timid waxanay ku tidhi “bal anniga dantu ha I ciishee, adna ma lacagbaa lagugu nacay?”

Saynab: “ naa waad hadal badatee iga tag,” inta ay tidhi ayey iskaga dhaqaaqday.

Ilhaan oo weli bartii taagan ayaa tidhi “ naagtani war la’aa! Miyaanay is weydiinayn waxay halkan u timid. Garaadlaay goobtaad ka soo noqon waa la eegi doonaa!”. Xiisaddii ayaa sidaa lagu galay.

Aroortii dambe, ayey xassan iyo cabdi oo ku socda goobta baska laga raacaa arkeen Ilhaan oo dhabbada cagta ku haysa. Waaba iyadoo ay basasku dhaafayaan oo aanay iyana joojinaynin. Maalintaa niyaddeedu may faraxsanayn, qunyar ayey tallaabada rogaysay oo waxa xasuusteeda ku meerayey kaftankii, qosolkii, iyo sheekadii kalgacalku ku dheehnaa ee ay jidka ku mari jireen iyada iyo farxaan. Waa maalin raad gaara maankeega ku reebtay e, waxay hadba dhan u qooraansataa dhirta qoorta is gelisey. Waa dhul astaamo gaara u leh oo ay muddo badan ku qaadatay waqtigeeda qaaliga ah. Labadan inan (xasan iyo Cabdi) waxay garab socdeen Ilhaan, masay dareensanayn hareeraha laga marayo waayo?

Waxa kala qaayo weynaa aragtida indhaheeda iyo kan ay qalbigeeda iyo maankeeduba u xayireen xubnihii kale ee jidhkeeda. Goor dambe oo ay ka baxday dhulkii kaymaha ahaa ayey dareentay sanqadh aan waxba ka dheerayn. Dhinacyada ayey eegtay, mise waaba la garab tamashleynayaa! “oo ilaa goormaad ila socoteen” ayey su’aashay.“Wax badan kulamaanu socon,” ayuu Xassan yidhi. Way xishootay, oo waxay gaar isku weydiinaysay ‘Alleylehe xasuustani digtoonidaadiina kaa qaadday!’ Si ay u ogaadaan waxa ay ka fikiraysay ayey ku yidhaahdeen “maxaa kuu diiday inaad baska raacdo, dugsigu aad ayuu innooga fogyahaye?” “aniga ayaa jecel inan mijo baxsado,” ayey tidhi. Xassan “ma mushkilad ayaa kugu furan?” inta ay naxday ayey degdeg u tidhi “waayo?”. Xassan “waad fikiraysay”. Ilhaan “kolley waayaha adduunka uunbay qayb ka ahaayeen”. Intii aanay su’aal kaleba weydiin ayaa waxa la gaadhay albaabkii iskuulka oo waxay ahayd xilligii la gelayey Dugsiga.

Isma oga e, Xassan iyo Cabdiba waxay indhuhu u basaaseen sidii ay fursad mar uun ugu heli lahaayeen inay Ilhaan kula kulmaan goob qarsoon, oo ay ugu sheegtaan gurxanka laabtooda ka dayaamaya, boholyowga ay u qabaan, iyo weliba inay iyada daraadeed u tac darreeyeen. Midba si gaara ayuu u dhex mushaaxayaa jacaylka aan cabbirka iyo qiyaasta toona lahayn ee uu u qabo Ilhaantan maankeedu meel ku xidhan yahay.

Markii la soo rawaxay ayuu Xassan arkay iyada oo hablo la joogta, inta uu aayar ka soo dhuuntay saaxiibkiisii isagana la saaqay, ayuu geed aan wax sidaaya ka dheereyn meesha ay joogtay ku dhabbaray. Wuxuu sitay ubax dhowr nooc ah oo cassaan, iyo caddaanba isugu jiray, si uu u caddayn karo jacaylkiisan 180ka garaacaya ee uu u qabo Ilhaan.

Markii ay hablihii ka tegeen ee ay iyana cabbaar uun dugsiga ka fogaatay ayuu tallaabada daba dhigtay. Wuxuu ku gaadhay goobtii uu rajaynayey inuu ku gaadho, meel aanay cidina arkayn oo saaxiibkiina ka qarinaysa haddiiba uu isku dayo inuu soo raadiyo, inta uu la hadlay ilhaan ayuu ubixii u dhiibay dabeeto wuu garab dhaqaaqay. Wuxuu sugayey jawaab mahadin dhaafsan oo ay ku dheehan tahay shucuurta iyo dareenka jidhka iyo qalbigaba saaqa ee astaanta u ah jacaylka dhabta ah. Xassan wuxuu qabay inu jacaylku dareen uun yahay oo aannu ku habboonayn in afka lagu xardho; hase ahaatee iyada oo aan Ilhaan u deymo la’ayn xubnihiisan istaagay, xawliga garaac ee wadnihiisa, iyo neefta qabow ee ka soo burqanaysa, ayaanay u jawaabin. Dhowr jeer ayuu isku deyey inuu la hadlo; laakiise waxa uurkiisu gocanayo ayuu ka biyo diiday inuu afka ka sheego. Waxayse dantu ku qasabtay bal inuu si kale u dhigo muuqaalka iyo dareenkiisa gaar ahaaneed ee iyada ku wajahan. Inta uu kor iyo hoos isha ugaga bogtay iyadoo hor taagan, ayuu kedis ugu dhawaaqay “ gabadh aad u qurux badan ayaad tahay oo istaahisha in ubax loo keeno”. Ayuu yidhi. Ilhaan waxay weydiisay “oo waa maxay macnaha ku qarsoon ubaxan dhowrka midab isugu jira?” Neef weyn ayaa ka soo boodday. Wuxuu is dareensiiyey inay ogaatay ujeedadiisa. “Wuxuu caddaynayaa inan ku jecelahay,” ayuu yidhi.

“Way kaa muuqataa, laakiin waxba kaagama qaban karo. Sheeko waan ka weynaaday jacaylna weli maan gaadhin, kolka aan gaadho calaleheeda, haddii calaf ii kaa qoray sina igu seegi meysid. (ubixii ayey u dhiibtay) kani aniga iguma habboona ee halkaad ka soo goysay dib ugu celi”. Ilhaan waxa qabsatay murugo weyn. Waxay is weydiinaysay waxa iyada uun raga daba dhigay, waayo beri hore ayey go’aan ka gaadhay sheeko oo ay in badan ku hodantay beerlaxowsigooda.

Maalinimadii xigtay, Cabdi wuxuu u tegey iyadoo sii rawaxaysa. Wuxuu soo diyaarsaday waraaq uu aad ugu nuux nuuxsaday oo uu dusheedana ubaxyo qurux badadan kaga sawiray salaan ka dib ayuu yidhi, “miyaanad sii socon mise cid baad sugaysay?”. Ilhaan “waan rawaxayaa”. Cabdi “ anniguba waan sii socdaaye inna mari aan kuu sii wehel yeelo e”.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhiirigeliyo Qurba-Joogeena

Dadkii hore ee dalka dibadddaha uga bixi-jirey waxay mari-jireen ma hadhooyin badan oo ay kala kulmi jireen safarka dhoofka yax-yaxa dhaqanka (culture shocks) degaannada cusub ee ay yimmaadeen iyo shaqo la’aanta ay marar badan la kulmi jireen iyo dhibaatooyin kala oo badan waxana loo yaqaaney “tacabir” sidaas darteed dadkii hore ee reer Somaliland waxay odhan jireen “nin dhoofay kaa dhimmey “sanantuna waxay ahayd waxa aad iyo aadu yaraa war-isgaasinta socadka gaadiidka kala duwan iyo guud ahaan kala warhaynta iyo qurbaawiga hadana way dadaal badnaayeen waxaanay ka qaybqaateen dhiska magaalooyinka maanta iyo miygeena xooladhaqataddaba asalkaba Qurbaha oo ah cidhiidhi lehna dhibaatooyin badan iyo Bohlyow badan oo qofka weynaanta ku gala qurbaha, qubajooguna waxa ubaahdaa mahuraan kaga dambeeya dalka oo waxna uga qabta dalka hooyo oo aamin iyo xilkas ah oo qurbo-jooggeenu ku soo hirto haddii kale waxa uu noqon doonaa qurba ku koobnaw maydkiisa uun diyaarad lagu keenno oo logu naxo uun weeye maqalkiisa tacbiirayaashii hore waxay ahaayeen dad dhallinyarro weyn ah intabadana may guursan jirin dibadda ha ahaatee maanta arrintu wey ka duwantahay qurbo joogteenu maanta tii 50 kii iyo wixii ka horeeyay waxaana qurbaha inaga jooga xaaslay aad iyo aad u badan iyo caruurtooda oo boqolaal kun ah oo kala joogga aadduunkoo dhan.

Caruurtoodaas intooda badan way kudhasheen dibada maxayse inooga baahan yihiin inaga. waxay inooga baahanyihiin Qodobo badan oo wax ka tari kara noloshooda iyo ta caruurteena dibada iyo tan horumarka dalkeena waxaana ila habboon inaynu kula dhaqano sida tan halala socodsiiyo xaalka dalka halaguna dhiiriyo wax ka qabsiga iyo wacyigalintiisa ha loo madhxiyo halana illaaliyo tacabkooda waxay ehelka u soo dirayaana ha la madhxisto oo halaga faa’iideysto, yaan looga dayrin dadka oo aan la niyad jabin ka maqan iyo kan yimaadaba haloo gaysto taakuleyn wixii muhiim uun ah ee qofka iyo qoyska uun wax utaraya Danyarta la inoogu keeno dalka si ay afka ehelka dadka iyo dhaqanka inay usoo bartaan si fudud oo aan qaylo iyo canaani ku jirin wax haloogu sheego marka lagu arko wax ka duwan macaamilkeena, yaan la caayin lana shiidin, waana in loo saxaa si ladifan oo aan ka didin imashada, joogitaanka iyo dal barashada caruurta koraysa iyo cid kasta oo inooga soo noqota dibedda.

Hala soo tus-tuso dhula intii karaankeena ah meelaha leh aragtida bilicsan ee xasuusta ku reebi kara markay inaga noqdaan, waxaanay qaar kale oo ka badan dalka ku soo dhiirigelin karaan inay inagu soo dhiiradaan markay weynaadaana ku soo hamiyaan dalka. Kuwa waweyn ee inoo yimaadana yaan la boobin, shaxaadka badana lagu wareerin, waxna ha lala maamulo oo ha lala indho-indheeyo meelaha ay is yidhaahdaan waxa idiinku jira fursad maalgelineed.

Ugu dambayn, waar hala dhiiri-geliyo qurbo-jooga dibedda ku sugan iyo tan inoo timaadba, ha horumaro dalkuye.

Top


Madhxinta Af-Soomaaliga.

Waxa la tilmaamaa in afafka ama luqaduhu aanay waxba ka duwanayn ilmo yar oo la gardaadinayo, loona korinayo si uu u hanaqaado. Tisqaadka afku haddaba waa arrin si adag uga xidhnaan karta hadba sida afkaas loo daryeelo ee loo ilaaliyo. Soomaalidii hore afka oo aan weli qoraal gelin ayay haddana dhaqaalayn jirtey oo aanay waxba ka tasoobi jirin, kana lumi jirin.

Gabayga, geeraarka, guuxa, saarka, guurowga, buraanburka, maahmaahda, ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka iyo hiddaha, hal-ku-dhigyada ama hal-haysyada murtiyeed iwm. ayaana ahaa kayd hodan ah oo ka qayb-qaata ilaalinta iyo madhxinta afsoomaaliga, waxaana kaydkaasi suugaantu uu soomaalida uga dhignaa oo ugu jirey halka ay dadyowga kale ee dunida ay ugu jiraan Rugaha Kaydka Kutubka iyo Taariikhda ee loo yaqaano Library-yada iyo Museum-ka.

Kaydkaas suugaanta ayaa haddaba waxa lagu tilmaami karaa hantida keliya ee soomaalida ay wax uga baxsadeen, ugana soo hadheen dagaaladdii iyo burburkii ka dhacay waddanka soomaaliya ee ilaa haatanna weli meelaha qaar ka sii dhisaalan. Suugaanta waxa kale oo lagu tilmaamaa in ay tahay il kale oo lagala soo bixi karo, lagana soo dheegan karo taariikhda iyo waayihii ummadda ee sooyaalka ahaa, sidii loo noolaa, wixii dhibaatooyin soo jiitamayey iyo sidii xalka loo raad-goobi jirey ee wax loo furdaamin jirey iyo xitaa qalabyadii la adeegsan jireyba.

Soomaalida waxa lagu tilmaamaa ummaddii maansada ama gabayga, Waxana dhici jirtey in lagu wada xidhiidhi jirey mararka qaar marka geedka iyo tala-goynta la isugu yimaaddo, in kulanka oo dhan inta uu dhammaanayo lagu adeegsado oo lagu wada xidhiidho hadal tixaysan oo sidii maansada qaafiyad ku socda. Waxa la yidhaahdaa Af-soomaaligu waa Tix iyo Tiraab.

Tixdu haddaba waa hadalka intiisa geedaysan ama maansaysan. Tiraabtuna waa intiisa caadiga ah ee maalin walba loo adeegsado wada xidhiidhka.
Haddaba waxa ay tixdu kaga duwan tahay tiraabta, tixdu waa hadal kasta oo leh dhacdo iyo higgaad ama qaafiyad. Dhacdadu waa miisaanka ereyga oo la raacinayo khad jeexan oo aan laga duwi karin; haddii jidkaasi laga baxana waxa la yidhaahdaa waxa yimaadda Deelqaaf. Higgaadda ama qaafiyadduna waa adeegsiga xaraf isku mid ah, iyada oo aan laga leexan fikraddii loo dan lahaa in la soo gudbiyo. Haddii higgaaddaasi laga baxana waxa yimaadda baa la yidhaahdaa Laaxin. Miisaanka maansada soomaalida waxa aabbe u ah oo asteeyey abwaanka weyn ee aqoonyahanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye. Isaga oo Gaarriye haddaba ka hadlaya miisaankaas maansada soomaalida waa kii lahaa; Dhegtaa diidda; meeshay xarfuhu dalab ku yeeshaane. Dhacdada uu miisaankeedu jaban yahay, waxa ka soo boodda dhegta oo dhegaysigeedu ma dhadhan samaado, si fudud ayaana loo soo saaraa meesha uu laaxinku ku jiro.
Xeel-dheeraanta suugaanta iyo afka soomaaliga waxa ka mid ah in nolosha oo dhan lagu also oo lagu sargooyo hab suugaanaysan.

Dhinacyo iska dhan oo nolosha soomaalida ka mid ah ereyo afeedka lagu isticmaali jirey waxa ay raacayaan habkaas higgaadaysan ee qaafiyadda ku socda. Tusaale ahaan marka la is qabto ee laba dhinac ama laba qof ay wax dhex maraan, waxa loo kala bixi jirey mudduc iyo maddaacaley oo ah dhinac wax sheeganaya oo dacwad ku soo oogaya dhinaca kale iyo dhinaca labaad oo dacwaddaasi iska deedafaynaya oo iska difaacaya. Waxa markaas la tegi jirey geedka oo gar-naqsi laga furi jirey sida maxkamadaha casriga ah oo kale.

Waxa haddaba guurtida xeer-beegtida ah ee geedku ay arrinta u qaybin jireen laba qaybood oo waxa ay odhan jireen waxa la isku hayo ee meeshaa yaallaa: Ma dhur baa mise waa dhaqan.

Dhurka waxa looga jeedaa wixii dhiig ama gacan-ka-hadal ku saabsan ee madasha geedka la keenay ee la xukumayo, dhaqankana waxa looga jeedaa wixii ku saabsan hanti ama dad la kala haysto ee ku kala maqan labada dhinac ee wax kala tirsanaya.

Haddaba haddii uu Dhur yimaaddo waxa dhibaabaha kiiskaasi loo kala saaraa isna laba qaybood, waxana laga soo qaadaa Qudh ama Qoon.
Qudh waxa looga jeedaa wixii dil ah ee gaadhsiisan naf la jaray oo qudh-gooyo ah, Qoontuna waa wixii nabaro la is gaadhsiiyey iyo dhaawacyo la xidhiidha.

Dhibaabaha qaybtiisa labaad ee dhaqanka loo yaqaan oo ku saabsan hantida ama dadka la kala haysto ayaa isna waxa loo kala qaybiyaa xilo iyo xoolo.

Xilaha waxa looga jeedaa dumar la kala qaaday ama la kala haysto iyo wixii la mid ah, xooluhuna waa wixii hanti ku aroora ee ku kala maqan labada dhinac.

Marka ay arrintu haddaba xoolo timaaddo ayaa waxa la odhan jirey: ma bar xoolaad baa mise waa beer, dadka qaarna waxa ay odhan jireen ma maal baa mise waa mood.

Barta xoolaad amaba maalka waxa looga jeedaa xoolaha la dhaqdo ee la isu sheeganayo, sida geela iwm. Beerta ama moodkana waxa looga jeedaa wixii dhul ama wax la mid ah la xidhiidha ee aan noolayn ee la isu sheeganayo, geedkana la keenay ee la xukumayo.

Barta xoolaad ayaa haddaba waxa iyana loo sii kala qaybiyaa magan iyo mooro.

Maganta waxa looga jeedaa wixii xoolo ah ee baadi ahaan ama dhac ahaan ama xatooyo ahaan beesha ku galay ee lagu haysto iwm. Mooradu laba macne ayay af-soomaaliga ku leedahay, waxase halkan looga jeedaa wixii xoolo ah ee xerada ku jira ee ku saabsan dhaxal iwm. Macnaha labaad ee Mooradu waxa uu la xidhiidhaa faalka iyo maluugta.

Dhinaca kale marka neefka xoolaha ah la shidaysanayo ee la qalanayo amaba martida loo loogayo, ayaa waxa hilibkiisa loo qaybiyaa abla ablayn ku sar-jaran habkaas maansaysan ee soomaalidu ay u adeegsato nolosha caadiga ah, waxana neefka shidhada ah loo qaybiyaa hilibkiisa: So’ iyo Saan.

So’du waxa ay yeelataa af-soomaaliga macneyaal badan. Mar waxa ay noqon kartaa meel cayiman oo ka mid ah darka ceelka ama inta uu degaanka reerku yahay ee uu ku fadhiyo, halkanse waxa ay ugu jirtaa oo looga dan leeyahay inta haragga ama maqaarka neefka ka hoosaysa ee hilibka, lafaha, xumaysta, uuska iwm. ee neefkaasi loo qalanayo shida-ahaanta.

So’da lafteeda ayaa waxa iyana loo sii kala qaybiyaa laba qaybood oo look ala yaqaanno: Laf iyo Lud.

Waxa uu Ludka mancihiisu yahay oo looga jeedaa wixii ka soo baxsan ee aan ahayn lafaha neefka, waana hilibka oo dhan ludku.

Ludkaas ayaa isna waxa loo sii kala qaybiyaa Jiidh iyo Jibaad. Hilibka intiisa aan jiidhka ahayn ee baruurta iwm ayaana jibaadha loo yaqaan.

Haddaba quruxda iyo farshaxannimada af-soomaaligu leeyahay ee uu ku dhaadan karaa, loona baahan yahay in la soo bandhigaa, waa habkaas higgaadda ama qaafiyadda leh ee geedaysan, kuna taxmaya ee xitaa ku milmaya noloshii caadiga ahayd ee soomaalida. Si loo xusuunaado, loona haysto oo aan loo iloobin, ayaa waxa la adeegsanayaa ereyo sidii gabayga xaraf keliya ku wada socda oo maansaysan.

Waxa kale oo halkan soo gelaya ereyo badan oo kale oo ay ka mid yihiin:

Tiro iyo Tayo, Af iyo addin, If iyo Aakhiro, Bad iyo Berri, Buur iyo Bannaan, Talo iyo Tusmo, Hiil iyo Hoo, Xidid iyo Xigaal, Dad iyo Duunyo, Garre iyo guntane, Wadaad iyo Waranle, Wadaad iyo Wabiin, Ficil iyo Falaad, Faq iyo Fagaare, War iyo Wacaal, Werwer iyo Walaac, War iyo Waayaale, Bog iyo Beer, Calaf iyo Cawo, Ciil iyo Cadho,
Haad iyo Haanraawe, Garab iyo Gaashaan, Habar iyo habeenkeed, Biyo iyo Baad, Dufan iyo Duugmo, Kaaf iyo Kala-dheeri, Qoob iyo Qaylo, Gar iyo Garowshiinyo, Arag iyo Arrin, Hiif iyo Haaraan, Bur iyo Bahal, Dhib iyo Dheef, Rabbi iyo Rag, Raq iyo Ruux, Cidliyo Ciirsila’, Naq iyo Negaadi, Nabsi iyo Nasiib, Bash-bash iyo Barwaaqo iwm.

Haddaba ereyadaasi laba- labada isugu qodbani iyo qaar kale oo badaniba waxa ay ku aroorayaan oo ay beegsanayaan tubtii Higgaadda ama Qaafiyadda ee hadalka tixaysan. Sida muuqatana laba erey oo kastaba waxa ka dhexeeya xidhiidh iyo xadhko isku haya macnayaashooda oo isku mid noqon karaya amaba iska soo horjeedi karaya oo isku lid ah.

Sababta haddaba keenaysa in uu afsoomaaligu awooddaasi yeesho, ayaa lagu tilmaami karaa arrin ka soo jeedi karta hodannimadiisa iyo saamaynta ay maansadiisu ku yeelan jirtey nolosha soomaalida, waana arrinta loo baahan yahay in maantana la sii ambaqaado, lagana sii shaqeeyo oo si cilmiyaysan boodhka iyo habaaska looga sii jafo, iyada oo lagu simayo oo la gaadhsiinayo da’faceeddan jiilka cusub iyo kuwa laalan ee jiilasha dambe. Madhxinta Afsoomaaligu waa ma-guuraannimadii sooyaalka dhaqanka soomaalida.

Maxamed Bashe X. Xasan

Mohamedbashe@hotmail.com

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Somaliland Lions Oo 6-2 Kaga Adkaatay Kooxda Muqdisho Tartanka Qurba-Jooga Reer London.

C/Fataax M. Caydiid

London (Haatuf) – Kooxda Somaliland Lions ee Jaaliyadda Somaliland ee cariga Ingiriiska ayaa ku guulaysatay maalintii khamiis toddobaadkii hore koob sannadkasta loo dhigo kooxaha Jaaliyadaha Somaliland iyo Somalia ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, kadib markii ay 6-0 ugu xoog sheegteen koox Muqdisho la yidhaa oo Jaaliyadda Soomaaliya ee Ingiriiska ku dhaqan ah.

Kooxda Somaliland Lions oo ah koox caan ku ah ciyaaraha kubadda cagta aad looga yaqaan dalka Ingiriis, had iyo goorna ku soo baxda kaalmaha ugu fiican oo ay aad u taageeraan Qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxay si xarago uga adkaatay kooxdan Muqdisho oo ka soo jeeday jaaliyadda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan dalka Ingiriiska.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee magaalada London, C/risaaq Ibraahim Xadhigle, ciyaartan oo lagu qabtay garoon ku yaalla magaalada London, gaar ahaan xaafadda South East (Koonfur-Bari London), waxaad moodaysay in ay ka duwanayd ciyaarihii hore, iyadoo ku soo beegan wakhti aanay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya wanaagsannayn isla markaana xamaasadda ciyaartu ay ahayd mid aad u saraysa oo keentay in ay ciyaarta hakiso rabshado dhashay wakhtigii ay ciyaartu socotay, balse markii dambe la xaliyay. Ugu dambayntiina waxay natiijadii ciyaartu ku soo geba-gebowday 6-2 ay kooxda Somaliland Lions ku hanatay koobka.

Dadweynihii faraha badnaa ee ciyaarta daawanayay oo badiba taageerayaasha kooxda Somaliland Lions u badnaa ayay ka muuqatay farxad iyo rayn-rayn aad u badani, waxaanay ku dhawaaqayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland Vive,” iyadoo ugu dambeyntiina waxaa la gudoonsiiyay koobkii kabtanka kooxda Somaliland Lions, Xuseen Maxamed Cali, kaas oo markii uu koobka kor u taagay ay dhallinyaradii ciyaartoyda ahayd iyo taageerayaashii kaleba sawaxan iyo farxad isla oogsadeen.

Xuseen Maxamed Cali, mar uu weriyuhu weydiiyay sida uu dareenkiisu noqday markii uu ogaaday in ay ka guulaysteen kooxda Muqdisho, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Run ahaantii waxaan dareemay in aanu nahay koox aad u adag, taas oo ay kuu caddeynayso in aanu sannadkasta ku guulaysano kaalinta koowaad ama labaad. Waxaan soo bandhignay ciyaar hufan oo qof kasta oo daawanayay uu jeclaysanayay, taas oo markhaati u ah in aan kooxdayadan si sahal ah looga guulaysan karin.”

Tartanka koobkan oo sannad walba xilligan oo kale la qabto, wuxuu soconayay muddo lix toddobaad ah, waxaanay kooxaha ka soo qayb-galay isku soo reeb-reebeen saddex wareeg, iyadoo ay labadan kooxood ee Somaliland Lions (Libaaxyada Somaliland) iyo Muqdisho (Koonfur Soomaaliya) isugu soo baxeen ciyaarta kama-dambaysta ah.

Top


Hargeysa Spring Water Oo 3-3 Ku Barbaraysay Kooxda Caafi (Burco)

Hargeysa (Haatuf) – Kooxda Hargeysa Spring Water ee ka midka ah kooxaha heerka labaad ee Serie ee ka dhisan magaalada Hargeysa ayaa maalintii Jimcihii ciyaar-saaxiibtinimo oo ay la yeelatay kooxda Caafi ee heerka koowaad ee kooxaha ka dhisan magaalada Burco barbaro kula gashay 3-3 gool.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay ka dambaysay kadib markii ay labada kooxood hore ciyaar saaxiibtinimo ugu dhexmartay magaalada Burco oo ay kooxda Hargeysa Spring Water safar ku tagtay, ciyaartaas oo ay kooxda Caafi Burco 5-3 kaga adkaatay kooxda Hargeysa Spring Water, waxaanay ay imika kooxda Caafi Burco safar ku timid Hargeysa si ay kooxdan ula ciyaarto.

Ciyaarta waxay maalintaa bilaabantay 4:30 galabnimo, waxaanay ugu horeyntiiba ay kooxda Caafi Burco la soo gashay dardar oo heshay goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta, kadibna waxay kooxda Hargeysa Spring Water qaaday weeraro isdaba jooga, kuwaas oo u hirgeliyay in ay dhashato laba gool ka hor inta aanay labada kooxood wakhtigii nashada u bixin, ciyaartii waxay ku hogaaminaysay kooxda Hargeysa Spring Water 2-1, taas oo ay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhammaatay.

Markii ay labada kooxood la soo tashadeen tababarayaashoodii ayay garoonka dib ugu soo laabteen, waxaanay kooxda Caafi Burco mar labaad la soo galeen dar-dar aad u sareysa oo ay ku ekeeyeen kooxda kale weeraro isdaba jooga, taas oo markii dambe u suurto gelisay in ay dhashadaan laba gool oo isdaba jooga, waxaanay natiijadii ciyaarta ku hogaaminayeen 3-2 gool ka hor intii aanay kooxda Hargeysa Spring Water dhallin gool barbardhac ka dhigay ciyaarta oo ay labada kooxood 3-3 ku yeesheen, natiijadaas oo ay ciyaartu ku soo geba-gebowday.

Kooxda Caafi Burco waxay hore magaalada Gabiley ugula soo ciyaartay kooxda Hilaal Gabiley, waxaana lagaga soo badiyay 3-2 gool.

Top


Kooxda Togdheer FC (London) Oo Ka Qaybgalaysa Norway Cup.

London (Togdheersports) – Koox la yidhaa Togdheer FC oo ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada London, ayaa habeen hore u ambabaxday magaalada Oslo ee wadanka Norway, iyagoo ka qayb-gali doona kooxka Norway Cup.

Tani waa markii ugu horeysay ee ay koobkan ka qayb-gasho koox Soomaaliyeed. Koobkan Norway lagu qabanayo oo ah koobabka adduunka ka ugu ballaadhan, waxa isugu iman doona 1467 oo kooxood oo ka kooban 27000 ciyaartoy iyo tababarayaal, kuwaas oo ka kala imanaya daafaha adduunka oo dhan, waxana la ciyaari doonaa ilaa 3500 oo ciyaarood.

Top


Orodyahan Somaliyeed Oo Jebiyay Rikoodhkii Orodka 800m Ee Dalka Sweden.

Cuxhaven, Germany (W. Wararka) – Waxay qaadatay Muddo ka badan 28 sannadood in la jabiyo mid ka mid ah rikoodhada ugu da’da weyn ee u yaalay cayaaraha fudud ee dalkan Sweden, kadib markii tartankii cayaaraha fudud ee 19kii july-2003 magaalada Cuxhaven ee dalka Jarmalka uu Orodyahanka Soomaaaliyeed ee Magaciisa la yidhaahdo Risaaq Dirshe oo haysta dhalashada dalka Sweden islamarkaana ah horyaalka orodka 800m ee dalka Sweden uu ku orday wakhti dhan 1,45,45, kaas oo aad uga yar intii uu ku heystay rikoodhkaas odyahanka lagu magacaabo Ike Svensson oo ahaa 1,45,94 oo uu dhigay taariikhdu markay ahady 30kii jun 1975. Ilaa xiligaas la dhigay rikoodhkan orodyahanno badan oo dalkan Sweden ah ayaa isku dayey inay jebiyaan rikoodhkan, waxaana ugu dhawaa nin la yidhaahdo Martin Enholm oo isagu ku orday wakhti dhan 1,46,06 sannadkii 1988kii.

Tartankan uu Risaaq Diirshe ku jabiyey rikoodhka waxa uu u soo hooyay guul dalka uu ordayey ee Sweden, isagoo galay kaalinta labaad, waxaana kaalinta 1aad galay orodyahanka reer Marooko ee Khaalid Tighazoune oo ku orday 1,45,32.

Sida uu sheegay tababaraha orodyahankan oo magaciisa la yiraahdo Ulf Friberg, tababarka uu sameeyey ka sokow waxaa Risaaq u suura galiyey inuu jabiyo rikoodhkan Jawiga magaalada Cuxhaven oo fiicnaa, wuxuuna sidoo kale sheegay in marka la eego awoodda orodyahankan oo da’diisu 31 jir tahay uu mar hore gaadhi karayay heerkan hadda iyo mid ka sareeyaba.

Risaaq markii kan ka horeysay ee uu meesha ugu sareysa gaadhay waxay aheyd sannadkii aynu ka soo gudubnay oo uu ka qeybgalay tartanka cayaaraha fudud ee Qaaradda Yurub oo uu u soo gudbay wareega ugu kama-dambaysta oo uu ka galay kaalinta sagaalaad.

Top