Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 386 July 30, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA Xadhiga Siyaasadu Waa Nabar Dhafoorka Kaga Yaal Sumcadda Somaliland

Gudiga Caalamiga Ah Ee Qalalaasaha Aduunka Oo Sharax Iyo Talooyin Adag Ka Bixiyey Qadiyadda Ictiraafka Somaliland Iyo Aragtida Beesha Caalamka “Dawlada Somaliland Waa In Kuraas Goob-Joogayaal Ah Laga Siiyo Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika.”

Wasiirka Qorshaynta Oo Siminaaro Ku Xidhay Ming-Sing

Duruuf Noocee Ah Ayay Ku Nool Yihiin Dadka Reer Somaliland Ee Ku Nool Imaaraadku?

Wararka Gobolka Sool

Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Q:3aad - Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle.

Caafimaadka Iyo Dawooyinka Dr. Maxamed Xaaji Daahir, Gudd. Ururka Farmasiyada Maxaad Ka Taqaan Cudurka AIDS-Ka? Q:3aad

Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Warbixin Kasoo Baxday Maraykanka

Sadaam Xuseen Oo Tacsiyadeeyay Labadiisii Wiil Ee Ay Ciidamada Maraykanku Dileen

ECOWAS Oo Ciidamo Nabad Ilaalin Ah U Diraya Liberia

Maxkamad Lagu Oogay Madaxweynaha Masar Ee Xusni Mubaarak

Bam Lagu Qarxiyay Huteel Ay Deganaayeen Ergada Midowga Afrika Oo Ku Yaala Muqdisho

Werwer Laga Qabo Xaaladda Afqaanistaan Oo Kasii Daraysa

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Bulshada Haboon, Ururka Wax U Qabo

Ma Is Kaafiyayaan, Muuse Aaye

Hala Dhowro Xuquuqdii SNM

WAADIGA CIYAARAHA: “Waxaan Garoomada Kubadda Cagta Sii Joogayaa 2 Sanadood Oo Keliya,” Zinedine Zidane


BADHEEDHAHA WARGEYSKA Xadhiga Siyaasadu Waa Nabar Dhafoorka Kaga Yaal Sumcadda Somaliland

Laba bilood oo sideed maalmood ka dhiman tahay ayaa hadda laga joogaa markii xabsiga loo taxaabay ilaa tobaneeyo dhalinyaro ah oo ka tirsanaan jiray dagaalyahankii ururka SNM, kuwaas oo qaarkood laga qab-qabtay hudheelka Ming-sing ee magaalada Hargeysa, halka qaar kalena suuqa laga qabqabtay, waxaana dhalinyaradaa ka mid ah:

Maxamed Weere, Maxamed Daahir, Cismaan Awr-liqe, Axmed Barkhad, Cali Aar, Kayse Xusan iyo xubno kale.

Kooxdan dhalinyarada ah ilaa hadda si rasmi ah looma caddayn dembiga loo haysto, laakiin xukuumaddu waxay sheegtay in loo haysto eedaymo la xidhiidha nabadgelyo daro, waxayna mudadaa labada labadaa bilood ku dhow rumaan ahaan ugu jiraan xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Inkasta oo ay dawladdu wiilashaa bilowgii ku eedaysay fal-dembiyeed la xidhiidha nabadgelyo daro, hadana waxa la aaminsan yahay inay dhalinyaradaasi u xidh-xidhan yihiin arin siyaasadeed, waayo dhamaantood waxay ka mid ahaayeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, waxaase meesha yaal dhawr su’aalood oo ay ka mid yihiin, xadhiga wiilashani ma ku taagan yahay jid saxa ahaa ee qaynuunku jideeyey iyo cadaaladii uu xaqa u lahaa qofka muwaadinka ahi, sidoo kale waxay iswaydiintu tahay ma jiraa dembiga lagu eedaynayaa, maxaase hadii dembi loo hayo maxkamad loo horgeyn waayey iyo sidoo kale saamayn intee le’eg ayey ku yeelatay muuqaalka siyaasadeed ee Somaliland.

Marka ugu horaysa distoorka Somaliland muxuu ka yidhi xadhiga iyo xuquuqda muwaadinka ee dhinaca eedaynta.

Qoddobo badan ayaa ka hadlay dariiqa loo marayo xadhiga ama waxa eed noqon kara iyo xaqa muwaadinku leeyahay marka ay arintaasi timaaddo, masalan qoddobka 27aad, faqradiisa 2aad waxay leedahay “qofka xoriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed waxa uu xaq u leeyahay in maxkamad lagu hor-geeyo 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka la qabtay”. Laakiin waxay iswaydiintu wiilashan oo hadda xabsiga rumaan ugu jiray 52 maalmood xadhigoodu ma waafaqsan yahay qoddobkan, iyadoo sidoo kalena qoddobka 25aad ee distoorka, faqradiisa 1aad dhigayso “Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn”.

Sidoo kale qoddobka 26aad, faqradiisa 3aad, waxay dhigaysaa “eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga cadaan dembi”.

Hadaba marka la eego qoddobadaa iyo kuwa kale waxa muuqata in xadhiga wiilashan iyo dad kale oo xabsiyada ku jira uu xadhigoodu baal-marsan yahay sida distoorku jideeyey, iyadoo aad mararka qaarkood maqlayso masuul hebel iyo masuul hebel ayey inamadu u xidhan yihiin.

Sidoo kale waxa la sheegay in maalin dhowayd ay odayaal uu soo abaabulay masuul sare oo dawladda ka tirsani ay waraaqo qoran u geeyeen wiilashan, taas oo lagu yidhi “halaydin sii daayee saxeexa inaydaan dembiga laydiin haysto oo kale u noqonayn”, taasina waxay ka hor-imanaysaa qoddobka 27aad ee distoorka, faqradiisa 3aad oo dhigaysa “Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag-furid ama dhaar, midkasta oo arimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax ka soo qaad ma laha”.

Sidaa darteed waxa halkaa ka muuqata in xadhiga wiilashan iyo kuwo kale oo qayrkood ah aan loo marin sidii qaynuunku jideeyey, isla markaana la waasiiyey cadaaladii iyo xuquuqdii ay muwaadin ahaan mudnaayeen.

Ta kale waxay dadka xaaladda dhalinyaradan u dhuund-daloolaa aaminsan yihiin inaan wax dembi ah loo hayn, waayo bay leeyihiin hadii uu dembi loo hayo laba bilood rumaan looguma hayeen xabsiga ee keliya waxay si sharci daro ah ugu xidhan yihiin xukuumadda madaxweyne Rayaale, iyaga oo aan ogayn wax ay galabsadeen, taasina waxay gef ku tahay qaynuunka dalkan u yaal, isla markaana waxay meel ka dhac ku tahay xaqa muwaadinka iyo xuquuqda aadamaha, runtiina meelna shuruucda diimeed iyo xeerarka aadamaha midna kagama taal inuu qofku isaga xidhnaado keliya awoodda qof masuul, taasina waxay noqonaysaa ku tagrifal aad u qaldan oo dhaxal-xun reebi kara.

Dhinaca kale waxa uu xadhiga dhalinyaradani guud sumcadda siyaasadeed ee Somaliland iyo maamulka madaxweyne Rayaale ku yeelatay sawir xun oo siyaasadeed, taas oo loo arkay inuu jiro dhaqan kelitalisnimo oo ka muuqda maamulka Somaliland, inay sidaasi dhacdayna waxa tusaale inoogu fillan war-bixin ay guddiga caalamiga ah ee qalalaasaha dunidu Isniintii doraad soo saareen, taas oo ay kaga hadleen xaaladda Somaliland, laakiin waxay warbixintooda ku soo qaadeen mawaadiic la xidhiidha xadhiga siyaasadda iyo waxyaalaha xakamaynaya xoriyaadka hadalka, waxayna guddigaasi yidhaahdeen “Waa inay dawladda Somaliland muujisaa inay u hogaansan tahay hanaanka dimoqraadiyadda iyo xurmaynta afkaaraha kala duwan, taas oo looga baahan yahay inay sii dayso maxaabiista siyaasadda weli u xidh-xidhan iyo sidoo kale inay la noqoto xeerka saxaafadda ee ay dhowaan soo bandhigtay, isla markaana ay saxaafadda madaxa banaan ka qayb geliso wixii la xidhiidha samaynta anshax saxaafadeed”.

Waxa kale oo ay guddigani yidhaahdeen “Waa in si dhakhso ah loo dhamaystiro geedi socodkii loogu guurayey nidaamka siyaasadeed ee ku salaysan hanaanka axsaabta badan, taasina waxay ku imanaysaa doorashadii baarlamaanka oo la soo dedejiyo, laguna qabto muddo aan ka badnayn muddo aan ka badnayn 12 bilood, isla markaana waa inay u hogaansanaato ilaalinta xuquuqda aadaamaha, iyadoo dabagal ku samaynaysa wixii meel ka dhacyo ah ee dhacay”.
Laakiin ugu dambayn waxay iswaydiintu tahay dawladda Somaliland inna ma ka suurtowdaa inay qirato ama ka noqoto qalad ay leedahay, mise waxa ka go’an inay ku dhaqanto nidaam kelitalisnimo.

Top


Gudiga Caalamiga Ah Ee Qalalaasaha Aduunka Oo Sharax Iyo Talooyin Adag Ka Bixiyey Qadiyadda Ictiraafka Somaliland Iyo Aragtida Beesha Caalamka “Dawlada Somaliland Waa In Kuraas Goob-Joogayaal Ah Laga Siiyo Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika.”

Brussels/Nairobi(Haatuf): Guddiga caalamiga ah ee loo yaqaan Guddiga qalalaasaha dunida ee marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaa ICG (International crisis Group) oo ah hay’ad ay ku bahoobeen siyaasiyiin, iyo aqoonyahano ruug cadaa ah, sida madaxweynayaal hore wasiiro, diblomaasiyiin, khubaro dhinaca cilmiga ah iyo qorayaal caan ka ah dunida ayaa doraad (July, 28, 2003) warbixin saxaafada loogu talo galay oo ay soo saareen, ku soo bandhigay fariimo shilis oo ku waajahan qaddiyadda Somaliland, iyaga oo fariintooda u yeelay laba geftin oo mid eegayo ama la hadlayo beesha caalamka iyo waxa looga baahan yahay iyo geftinka kale oo ku waajahan ama la hadlaya Jamhuuriyadda Somaliland iyo waxa looga baahan yahay.

Warbixin saxaafadeedan oo ay guddigani hal mar ka soo wada saareen magaalooyinka Brussels iyo Nairobi waxay si qoto dheer ugu faaqideen waaqica siyaasadeed ee ku gadaaman Somaliland iyo guud ahaan arrimaha Soomaalida, laakiin waxay ugu horeyn beesha caalamka ka dalbadeen ama ku taliyeen in dalka Somaliland kuraas goob joogayaal ah laga siiyo ururada ay ka midka yihiin Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, isla markaana waxay guddidani ku baaqeen inay beesha caalamku Somaliland ula dhaqmaan hab ama qaab ka dabacsan ama ka furfuran habkii hore ay ula dhaqmi jireen ama ula dhaqmaan.

Warbixintan saxaafadda loogu talo galay waxay ka dambaysay ama la xidhiidhaa warbixin dheer oo ay guddidani ka soo saartay mawduuc ku saabsan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto shirka kooxaha Soomaaliya uga socda dalka Kenya.

Sidoo kale waxay guddidu soo bandhigeen ama sharax ka bixiyeen asbaabaha dhiiri gelinaya inay Somaliland aqoonsi ka waayi karto caalamka iyo asbaabaha fududaynaya ama fududayn kara inay hesho aqoonsi, laakiin guddidaasi waxay hadalkooda ku bilaabeen “Maanta beesha caalamka uma taalo, dooda ama su’aasha ah Somaliland ma loo aqoonsadaa dawlad madax banaan, balse su’aasha meesha taal waxa weeye, ma jirtaa dariiqo kale oo aan aqoonsiga ahayni, sidaa awgeed beesha caalamka waxa la gudboon inay laba nabar kala doortaan, waxayna labadaa nabar kala yihiin:

Inay ku dhaqaaqaan talaabooyin waaqici ah oo ay kula macaamilayaan gar-naqsiga ay Somaliland ku doonayso in la garawsado aayo-ka-tashigeeda.

Iyo in la sii wado, laguna sii adkaysto fikradii dhalanteedka ahayd ee jiritaanka iyo midnimada dhulka Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, arrintaas oo haddii la sii wado ay hubaal tahay inay rogaal celin doonto cashar cusub oo u furma dagaaladii sokeeye ee Soomaalida.

Dhinaca kale doorashooyinkii madaxtooyada Somaliland ee qabsoomay 14-kii April 2003, ayaa ka marag kacay ama ka run sheegay xawliga geedi socodka dimuqraadiyadeed ee ay Jamhuuriyada aan weli la aqoonsani durba gaadhay, iyada oo ka dib markii ay dad nus malyuun ahi ay codadkooda dhiibteen lagu dhawaaqay natiijaddii doorashada 19-kii April, 2003, taas oo lagu sheegay in madaxweynaha hadda xilka hayaa Daahir Rayaale Kaahin, uu 80-cod ku helay doorashadii.

Somaliland asalkeedii hore ahaan jirtay maxmiyad hoos timaada Britain, waxay bishii May 1991-kii ku dhawaaqday madax banaanideeda, ka dib markii uu burburay taliskii milatari ee Muqdisho, waxaanay banaysatay hanaan ay ku naajaxday.

Inkasta oo ay dhaliilo jireen haddana doorashooyinkii Somaliland ka dhacay waxay si weyn u raali geliyeen muraaqibiintii caalamiga ahaa ee goob jooga ka ahaa, iyada oo ay dhibaatooyinka lala kulmay ay ka mid ahaayeen hantidii iyo shaqaalihii qaranka oo loo isticmaalay kaambaynkii xisbiga talada haya, sanaaduuq badan oo la tirtiray ka dib markii la dareemay xad-gudubyo ku yimid nidaamkii doorashada, caga-juglayn iyo cabudhin la sheegay inay xukuumadu u geysatay taageerayaasha mucaaradka ka dib doorashooyinkii iyo mucaaradka oo intii hore diidanaa inay aqbalaan in laga guulaystay.

Arrimahaasi saamayntii ay ku yeesheen mooyee doorashadu waxay ahayd mid loo han-weynaa.

Qaybta soo socota ee marxalada dhamaystirka hanaanka dimuqraadiyadda ayaa ah ta ugu xasaasisan sababta oo ah, ilaa iyo inta ay xisbiyada mucaaradka u suurtobayso inay ka qayb galaan doorashada xubnaha baarlamaanka Somaliland waxay ahaanaysaa dawlad uu xisbi keliyi xukumo.

Qolyaha beesha caalamka ee Somaliland iskaashiga la leh ayey tahay inay guddiga doorashooyinka gacan siiyaan, si ay u qaban qaabiyaan doorashooyinka baarlamaanka, taas oo loo baahan yahay in la soo dedejiyo oo lagu qabto muddo aan ka badnayn 12 bilood, isla markaana waa in la sugo in garoonka tartanku noqdo mid loo siman yahay.
Waxa kale oo loo baahan yahay in dib loo eego distuurka iyo garsoorka si loo toosiyo.

Gar-naqsiga Somaliland ee ah inay tahay dal qaran ah, oo runtii ah arrin aanay jirin meel kale oo laga maraa, haddana taasi waxay beesha caalamka ku noqotay qodax ku mudan, marka laga eego dhinaca diblomaasiyadda, iyada oo ay hogaamiyayaasha Soomaaliya ka shirayaan sidii ay u dhisi lahaayeen xukuumad cusub oo soomaaliyeed.

Inkasta oo ay isa soo tarayaan dalal ka mid ah ama dawladaha reer galbeedka oo ka fiirsanaya ictiraafka Somaliland, haddana waxa jira dawlado badan oo ka tirsan midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo si adag uga soo horjeeda ictiraafka Somaliland, iyaga oo leh jiritaanka iyo midnimada dawladaha xubnuhu waa muqadas.

Dhinaca kale haddii xukuumadda la naawilayo inay ka soo baxdo shirka ururka IGAD uu wado ee hogaamiyayaasha Koonfurta Soomaaliya ay dhisanto, oo ay xukuumadaasi sheegato inay xukunto Somaliland, waxay arrintaasi aloosi doontaa weji colaadeed oo cusub.

Inkasta oo ay jiraan rajooyin odhanaya haddii ay Soomaalida koonfureed dhistaan xukuumad waxa iman kara wada hadal xal lagu raadinayo, oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin taasi waxay u badan tahay inaan wada hadalada noocaasi ahi noqonayn, kuwo midha dhal ah, iyada oo jiraan waxyaabo badan oo aan heshii lagu gaadhayn, balse haddii wada hadal waxba lagu gaadhi waayo, oo la isku dayo in Somaliland xoog dib loogu soo celiyo midnimada Soomaaliyeed, waxa qarxi doonaan hirdan colaadeed oo ay adkaan doonto sida loo bakhtiiyaa.

Sidaa awgeed su’aasha maanta la gudboon beesha caalamku ma aha Somaliland ma ictiraafaa, balse waxay tahay ma jirtaa wado kale oo aan Ictiraaf ahayni.”

Dhinaca kalena guddigan waxay talooyin u soo jeediyeen dawladda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la sii daayo maxaabiista siyaasadeed, iyo in shaqooyinkoodii lagu celiyo shaqaalaha lagu eryey sababo la xidhiidha dhinaca siyaasadda.

Sidoo kale waa in la laalo xeerka saxaafada ee la diyaarinayo, isla markaana waa in saxaafadda madaxa banaan laga qayb geliyo wixii xeerar ah ee loo samaynayo anshaxa saxaafadda.

Waxa kale oo ay guddigan yidhaahdeen “geedi socodka hanaanka xisbiyada badan, waxa loo baahan yahay in doorashooyinkii baarlamaanka lagu qabto in ka yar 12 bilood, si ay xisbiyada mucaaradka ahi uga qayb galaan baarlamaanka.

Sidoo kale waxa xukuumada Somaliland looga baahan yahay inay damaanad qaado ilaalinta xuquuqda aadamaha isla markaana ay baadhitaan ku samayso gefafkii hore u dhacay oo ay qaadato talaabo sixid ah, oo ay ku ilaalinayso xuquuqda aadamaha”.

Waxa kale oo ay guddigan kula taliyeen xukuumada Somaliland in la xoojiyo madax banaanida guddiyada doorashooyinka iyo hay'adaha cadaaladda.

Sidoo kale waxay guddigan kula taliyeen dawladaha deeqda bixiya
Inay gacan ka geystaan dhismaha saddexda xisbi ee Somaliland iyaga oo ka caawinaya dhinaca tababarada iyo dhaqaalaha si ay taasi ugu suurto geliso doorashada baarlamaanka.

In guddiga doorashooyinka laga caawiyo dhinacyada farsamada iyo dhaqaalaha, si looga gudbo dhibaatooyinkii soo food saaray xiligii doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada, iyo in guddiga laga caawiyo qaabaynta iyo fulinta, hanaan wanaagsan oo lagu diiwaan geliyo cod-bixiyayaasha.

In dawladda laga caawiyo xoojinta waxyaalaha horumarinaya hanaanka dimuqraadiyadda.

In la kordhiyo taageerada horumarinta arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha, si adkeeya nabada jirta.

Sidoo kale waxay guddigan talooyin u soo jeediyeen qaramada midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, kuwaas oo ay ka mid yihiin, in weftiyo xaqiiqo raadis loo diro Somaliland kuwaas oo soo dersa xaalada iyo wacyiga siyaasadeed ee ka jira iyo in la siiyo codsiyada Somaliland ixtiraam, sharciyada dhuleed ee ay leedahay iyo in goob joogayaal laga siiyo ururada adduunka si ay ula socdaan go’aamada la gaadhayo.

Ragga xubnaha guddigan ka ah ee warbixintan soo saaray waxa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Finland Martti Ahtisaari oo isagu hadda ah gudoomiyaha guddiga, Marton Abramowitz oo mar ahaan jiray wasiir ku xigeenkii arrimaha dibada ee Maraykanka, xilal diblomaasiyadeedna soo qabtay, Sucuud Naasir Al-Sabaax oo ka mid ah qoyska boqortooyada Kuweit oo mar ahaa wasiirka warfaafinta iyo batroolka Kuwait, safiirna ka soo noqday Britain iyo USA.

Waxa kale oo ka mid ah Richard Allen oo mar ahaa la taliyaha dhinaca nabadgelyada qaranka ee golaha baarlamaanka Maraykanka.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa Oscar Sanvhiz oo ah madaxweynihii hore ee Cost-rica, kana mid ah 87 qof oo la siiyey bilada nabada.

Waxa kale oo ka mid ahaa Zbigniew Brzezinfki oo ahaan jiray la taliyihii amaanka qaranka ee madaxweynihii maraykanka Jimmy Carter.
Waxa kale oo ka mid ahaa Wesley Clark oo hore u ahaa hogaamiyihii NATO ee duqeeyey Yugoslavia.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa Mark Eyskeynf oo ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee Belgium.

Waxa kale oo ka mid ahaa I. K. Gujral oo ah ra’iisal wasaarihii hore ee India.

Waxa kale oo ka mid ahaa William Shawcross oo ah journalist iyo qoraa caan oo u dhashay UK.

Waxa kale oo ka mid ah guddigan haweenayda la yidhaahdo Uto ZaTf oo ah Gudoomiyaha guddi hoosaadka hub ka dhigista caalamiga ah ee baarlamaanka Jarmalka iyo xubno kale oo fara badan ayaa ka mid ah guddigan.

Top


Wasiirka Qorshaynta Oo Siminaaro Ku Xidhay Ming-Sing

Hargeysa (Haatuf) Siminaar loogaga hadlayey horumarinta doodaha wada hadalada oo socday mudo Sadex maal mood ah ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey Hotel ka ming sing ee magalada Hargeysa. Siminaar ka oo ay kasoo qayb galeen 30 xubnood oo ka kala socday Ururada caalamiga –ah kuwa bulshada rayidka ah iyo qaar katirsan shirkadaha ganacsiga intii socday waxaa loogaga dooday arimo ku saabsan sidii kor loogu qaadilahaa horumarinta doodaha wada hadalada {dailogue devolopment} waxaanay ka qayb galayaashu ku falan qeeyeen mudadii u socday siminaar kaasi doodo ku saabsan xoojinta iyo kor uqaadida wada hadalada,
Waxaa kale oo lagu soo qaaday kaalinta NGO yada aan dowliga ahyn iyo wax qabad kooda hadaba gaba gabadii xidhitaan kii siminaar kaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Qorshaynta qaranka maxamed xaaji daahir cilmi waxaanu wasiirku ka waramay wax qabadaka NGO yada iyo kaalinta kaga aadan wasaa rada qor shaynta isagoo sheegay inay kamid tahay waaji baadyada wasaarada qorshaynta qaranka inay baadhitaan iyo daba galba ku samayso qiimaynta wax qabad ee NGO yada ka how gala dalka.

Isga oo hadalkiisa sii watana wasiirku waxa uu sheegay in uu wax ka badali doono dadka ajaanibka ah ee ka shaqeeya hay’adaha sama falka ah ee dalka jooga kuwaa soo cidhiidhi galiyey dadkii muwaadiniinta ahaa iyagoo galay boosaskii ay ka shaqayeyn lahaayeen muwaadiniinta reer somaliland oo iyagu buuxin kara shuruudaha shaqooyinka ay haatan hayaan dadkan aan u dhalanin somaliland ee laga soo ka xaysanayo dowladaha aan jaarka nahay, waxaanu ballan qaaday wasiirku in uu arimahaasi wax kabadali doono mustaqbalka dhow isaga oo sheegay in ay wasaaradiisu arimahaasi dhawaan ka soo saari doonto go,aano kadibna uu natiijada go’aan kaasi ku baahim doono saxaa fada.

Siminaar kaasi waxaa maal galisay hay’ada CARE waxaana si wada jir ah usoo qaban qaabiyey dalada gaboodka Nagaad iyo dalada kale ee COSSONGO iyadoo ay jiraan siminaaro kale oo ay Ururadaasi shee geen inay dhawaan qaban doonaan.

Dhinaca kalana waxaa isla Hotel kaa ming sing lagu soo gaba gabeeyey shalay siminaar kale oo socday mudo laba maal mood ah kaasoo lagaga hadlayey xoojinta iyo kor-uqaadida sidii ay dhalin yaradu uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada waxaana siminaar kaasi soo qaban qaabiyey Ururka dhalinyarada ee Havoyoco waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay xidhitaankii siminaar kaasi isla wasiirka qorshaynta qaranka maxamed xaaji daahir wasiirku isaga oo dabasocday eedaymo ay dhalinyaradu u soo jeediyeen odayaasha iyo dadka waaweyn ee tan iyo 60 kii kusoo jiray siyaasada kuwaa soo ay sheegeen inay caqabado ku yihiin sidii ay dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen ka qayb galka siyaasada dalka waxa uu sheegay inay muhiimtahay marka hore inay isfahmaan dadka waaweyn iyo dhalinyarada hada joogtaa waxaana dhexdooda kajira buu yidhi is faham la’aan waa dadka waa weyn iyo dhalin yarada e waxaanu yidhi “hadii ay odayadu yidhaah daan anaga ayuunbaa dalka katalinayna dhalinyaraduna yidhaadaan anagaa jira waxaa sii kor dhaya is faham la’aanta”waxaanu wasiirku sheegay inay marka hore fiicnaan lahayd in laga shaqeeyo sidii loo gaadhi lahaa is af gara sho guud oo siyaa sadeed oo dhex marta odayaasha iyo dhalin yarad si loo helo xal ku salaysan wax wada qaybsiga siyaasada ee dhalin yarada iyo odayaasha.

Top


Duruuf Noocee Ah Ayay Ku Nool Yihiin Dadka Reer Somaliland Ee Ku Nool Imaaraadku?

Warbixin – Weriye Haatuf Ah

Dubai (Haatuf): Dadka reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida ee ku dhaqan dalalka Khaliijka, gaar ahaan dalka istaga Imaaraadka Carabta (UAE) waxa waqtigan haysta duruufo nololeed oo adag, taas oo ka duwan sidii ay waqtiyada qaar ku noolaayeen.

A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan oo dhawaan socdaal gaaban ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa warbixin nooga diyaariyey xaaladda nololeed iyo duruufaha haysta dadka reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida halkaa ku dhaqan, waana tan warbixintii.

“Dadka hadda Imaaraadka ka xoogsadaa ama shaqooyinka ka hayaa inta badan waa dad aqoon leh ama xirfadyahano ah (Professional), laakiin shaqooyinkii hoose ee laga xoogsan jiray hadda ma jiraan, haddii ay jiraana aad bay u yar yihiin.

Waxa kale oo halkaa ku nool dad badan oo aan wax camal ah ka hayn ama aan wax sharci ah lahayn, waxaana dadkaa haysta dhibaatooyin badan oo nololeed, laakiin dhibaatada ama duruufta nololeed keliya ma haysato dadka aan camalka hayn ama aan sharciga lahayn, ee xataa waxay haysataa dadka shaqooyinka ka haya ama sharciga ku leh, iyada oo ay duruufaha haystaa kala duduwan yihiin.

Waxaad arkaysaa dad badan oo ku odhanaya ciqaamadii baa iga dhacsan, mana haysto lacag aan ku cusboonaysiisto.

Sidoo kale waxaad arkaysaa dad badan oo ay qaar shaqooyin hayaan, oo ka wer-wersan in dalka laga mastaafuriyo, iyaga oo xataa sharciyad leh, taasina waa dhaqanka ama nidaamka dawladda halkaa ka jirta, iyada oo la odhan karo habka ay dawladda Imaaraadka Carabtu ula dhaqanto dadka ajanabiga ah, gaar ahaan Soomaalida waa mid aad u adag.

Magaalada Dubai waa xarun ganacsi, waxaana ku badan shaqooyinka iyo dhaq-dhaqaaqyada dhinaca ganacsiga la xidhiidha, laakiin dadka shaqaalaha ah ama ka xoogsada waxay u badan yihiin magaalooyinka kale, sida Abu Dhabay iyo Al-Cayn oo kale.

Dhawrkii sano ee u dambeeyey aad baa looga haajiraa dalka Imaaraadka Carabta iyo guud ahaan dalalka Khaliijka, waxaana inta badan loo haajiraa dalalka reer galbeedka.

Magaalooyinka Abu Dhabay iyo Al-Cayn waxaan kula kulmay rag badan oo shaqaale ah oo reer Somaliland ah, oo soolane ah, kuwaas oo ay xaasaskii iyo carruurtii ka maqan yihiin, waxayna raggaa intooda badani xaasaskii iyo caruurihii u dhoofiyeen dalalka Yurubta.

“Xaaskii iyo caruurtii hadda waxay iga maqan yihiin 6 bilood, oo waxay jiraan dalka Ingiriiska” sidaa waxa yidhi Cadnaan Maxamed oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee ka xoogsada dalka Imaaraadka Carabta, degana magaalada Al-Cayn.

“Xaaskii iyo carruurtii waxay ku maqan yihiin dalka Ingiriiska” sidaa waxa yidhi C/Salaan Muuse Galaal oo aan isna halkaa kula kulmay, laakiin ragga aan meelahaa kula kulmay 95% in ka badan waxay ahaayeen rag carruurtii iyo xaasaskii dalka ka saaray, isla markaana iyaga laftoodu ay xaaladoodu ka dhigantahay lugna baqe ugu joog, lugna faras, kuwaas oo marwalba baqe ka qaba in subax qoorta la soo qabto, ka dibna dalka dibada looga tuuro.

“Sida aad u shaqaynayso ayaa subax qudha lagu odhanayaa waa lagu feneshay ee dalka ka bax” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ka xoogsada meelahaa.

Dhinaca kale runtii way adagtahay xaaladda nololeed ee dadkaasi, haddii ay tahay kuwa aan shaqeyn iyo kuwa shaqeeyaba, waxaadna had iyo goor ka arkaysaa dad culays badani saaran yahay oo ka wer-wersan xaaladda nolosha.

“Kah-rabadii iyo biyihii ayaa la iga rabaa” ayaa ka mid ah weedhaha ay had iyo jeer ku halaan-halaan, waxaana goor walba ka muuqda wer-wer iyo culays nololeed, sidaa darteed xataa dadka shaqooyinka ugu wanaagsan haya wuu saaran yahay culayska noloshu, taasna ay ugu wacan tahay xaaladda nololeed ee dalkaa oo qaali ah ama adag, isla markaana shaqooyinka ayaa maalin-ba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya, maadaama uu dalkaasi dhismay.

Marka laga yimaado ragga xaasaskii iyo carruurtii isu dhaafiyey dhinaca dalalka reer galbeedka, waxa kale oo aad arkaysaa rag xaasasku la joogaan oo ku fekeraya ama ku mashquulsan sidii ay xaaska iyo caruurta dalka uga saari lahaayeen, laakiin hadda taasina way adag tahay.

Dadka halkaa ku dhaqani way jecel yihiin inay mar uun dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo, waxayse walaac ka qabaan xaaladiisa iyo sida ay aasaas nololeed uga abuuri karaan.

Top


Wararka Gobolka Sool

Laas-caanood (Haatuf): Maayarka magaalada Laas-caanood, C/risaaq Maxamed Xasan oo dhowaan xilkaa qabtay ayaa shalay magaalada Laas-caanood ka bilaabay hawl-gal uu ku bannaynayo guryaha dawladda ee ay dadka shicibka ahi ku jiraan, wuxuuna maayarku hawl-galkaa ku baneeyey meelo ay ka mid yihiin, xafiiska dawladda ee gobolka Sool, guriga badhasaabka iyo xarunta kaydka miinada iyo hubka burburka ah, sidaana waxa uu maayarku ku sheegay war-bixin subaxeedii uu shalay u soo diray xarunta wasaaradda arimaha gudaha, xarunteeda Hargeysa.
Sidoo kale waxa kale oo uu maayarku dadka guryaha dawladda ku jira ku war-geliyey inay muddo gaaban kaga baxaan guryaha, hadii kale buu yidhi cidii ka bixi wayda talaabo laga qaadi doono, isla markaana waxa uu maayarkani dadweyna reer Laas-caanood ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Dhinaca kalena waxa isla shalay shir lagu qabtay xarunta maamulka ee magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay in shirkaa lagaga hadlay mawqifka ay reer Sool ee ku waajahan Somaliland iyo siyaasadda gobolka Sool, waxaana sida uu warku sheegay shirkaa ka soo qayb galay qaar ka tirsan madax-dhaqameedada reer Laascaanood, iyadoo uu raggii halkaa ka hadlay ka mid ahaa, CchiefCaaqil, Axmed xirsi Cawl, isaga oo yidhi “Somaliland iyo gobolka Sool waxa ku dhexjira mad-madaw, mad-madawgaas oo bilaabmay markii uu weftiga madaxweynuhu yimi magaalada Laascaanood ee ay ciidamo Puntland ahi soo weerareen, taas oo si qaldan loo turjumay”ayuu yidhi caaqilkani, ragga halkaa ku shiray waxay sheegeen in mad-madawgaa lagu dhamayn karo wada hadal la isku soo horfadhiisto, taas oo bay yidhaahdeen loo baahan yahay inay dawladdu casuumadda arintaa fidiso, isla markaana dhinaca Reer Sool laga diyaariyo ama xulo rag ku fillan arintaa ama wada hadalkaa, kuwaas oo ay talada beeshuna ka go’I karto.

Waxa kale oo sida la sheegay isna halkaa ka hadlay maayarka Laascaanood, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in iskaashi iyo wada jir hawlaha loo waajaho, lagana baxo tafaraaruqa iyo kala qaybsanaanta, wuxuuna yidhi “Waar hadii ninba meel u jeesto waxba socon maayaan ee waa in meel laga soo wada jeesto oo wax la qabsado”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay cuqaal iyo wax garad kale oo shirka ka soo qayb galay, iyaga oo raggaasi shirkooda gunaanad uga dhigay baaq uu nuxurkiisu yahay in arinta gobolka Sool lagu dhameeyo wada hadal la isku soo horfadhiisto oo ay dawladdu yeedhmadiisa ama casuumadiisa yeelato, waxaana ka mid ahaa ragga baaqaa wax ka go’aamiyey:

Chief caaqil, Axmed Xirsi Cawl
Chief caaqil, Axmed Cabdi Gaas
Chief Caaqil, C/laahi Jaamac Cabdi
Chief caaqil, Maxamed Cali Xarag
Caaqil Hurre Yuusuf Cadami
Caaqil Cali Baxnaan Cali
Caaqil C/laahi Xirsi Binow
Maxamed Abshir Garaad
Marwo Xaliimo Xasan Cali
Marwo Xaawo Cabdi Cali-kaar
Aadan Axmed Salaan
Iyo C/risaaq Maxamud Xasan.

Top


Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Q:3aad - Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle.

Fasalkii ayaa la galay. Waxa Ilhaan maskaxdeeda ka ladaabanaayey marka dhinac la iskaga riixo cadhadani daqiiqadaha ah ee ay la kulantay, jacaylkii raadadka lama illaawaanka ah ku abuuray nolosheeda. Waa kii ay la qaadatay Farxaane.

Galab ayey ahayd. Waxa da’ay roob aan dhulka wada rushaynin laakiinse inyar oo sayax ah kaga tegey, markii ay Ilhaan isku diyaarinaysay inay u laydhsi tagto kayn ka mid ah kuwii ku yaallay daafihii magaallada, oo aad run ahaantii is odhan karaysay dadkuba way ku yaraayeen. Hadba dhinac ayey u laafyoonaysay kaynta, iyada oo daawanaysay quruxdani dabiiciga ah ee Ilaahay ku maansheeyey arladaasi. Waxay aaminsanayd inay kaga nasan doonto casharradii ay sida ba’an u dul gawriiri jirtay mudada dheer. Shimbiraha codkoodiyo foodhida galoolkiyo geedaha magoolay, ubaxyada is qariyey, xareeddu wadhnayd, iyo ugaadha meel aan ka dheereyn hadba dhinac u saqaafinaysay, ayaa ugu filnayd raaxo ay dhammaan xubnaha dareenkiyo, (indhaha, dhegaha, iwm.) qalbiga, iyo maankuba si wacan uga mabsuudaan.

Waxay dhex mushaaxaysay suqduud ku yaallay geedaha dhexdooda. Wakhtigu waa casar fiid ku sii siqaya, dhinaca woqooyina raxmaadku ka soo kacay oo ay qorraxduna midabbo casaan iyo huruud isugu dhafan hadba dhinac kaga asqaysay muuqaalladii aanay awalba quruxdoodu kala dhantaalnayn. Iyadu lama socoto gufaacadani hore ee roobkee, waxabay dusha uga baxday diin gaboobay, oo inta uu dooggii ka dhergey hadba dhinac isaguba u laafyoonayey kaynta.

Sawir ayaa ku dhacay iyadoo diinkii fuushan. Bidix bay eegtay mise waaba wiil dhererkiisu meel dhexaad yahay, midabkiisu casaan u iilanayo oo timo jilicsanaa. Wuxuu xidhnaa surwaal jiinis ah, garan yar, kabihii isboortiga iyo weliba muraayad bunni khafiif xiga lagu tilmaami karo. Shaankoosh aanay garanayn waxa ku jira ayaa garabkiisa sundhnaa, halka qoortiisana ay ka laadlaaday kamaraddii uu iyada sawirka kaga qaaday. Ashqaraar iyo yaab ayaa Ilhaan ka soo hadhay. Wiilkani warba uma hayo falka uu ku kacay e, hadba dhinac ayuu ka sawiranayay ugaadhiyo kayntaba. Muddo badan ayey u fiirsanaysay falka uu samaynayey waxayse u dulqaadan weyday ogolaansho la’aanta uu iyada u sawirtay. Inta ay u tagtay ayey su’aashay “Maxaad sawirka iiga qaadday aniga oo weliba sidii ciyaalka diin dul taagan?”.

“carruurnimadaadii ayaan ku xasuusinayaa” ayuu ugu jawaabay isaga oo mashquulsan oo aad mooddo inaanu xiisaynaynin. Woxoogaa ayey keyntii ku dhex wareegeen iyaga oo aannu midna ka kale la hadlayn. Ilhaan waxa ku wareegayey sidii ay ku ogaan lahayd waxa uu qabto iyo cidda uu u shaqeeyo; waxay su’aashay “miyaanad waddanka hore u joogi jirin?” “waayo?” ayuu ugu celiyey. Waxay tidhi “muuqaalladan aad qaadanaysaa waxay ka turjumayaan inaad dalxiis tahay amma aad dad gaar ah u shaqayso”. “may, labada midna maaha”. Ayuu yidhi. Ilhaan waxay weli raadinaysaa sababta uu sawirkan uga qaaday. “maxaad ii sawiratay” ayey tidhi. “hablaha quruxda badan iyo kayntaba naftaydaa u riyaaqda” ayuu ugu jawaabay.

Isbarasho ayaa halkii lagu bilaabay iyadoo ay ahayd xilli fiidadyow ah oo laga soo baxayey kayntii waxayse ballan ka dhigteen, inay mar kale kulmaan.

La soco.

Top


Caafimaadka Iyo Dawooyinka Dr. Maxamed Xaaji Daahir, Gudd. Ururka Farmasiyada Maxaad Ka Taqaan Cudurka AIDS-Ka? Q:3aad

Hadii ay dhacdo in qof bukaa u baahdo in dhiig lagu shubo, oo markaa qofka dhiigga looga shubayaa uu qabo aafada fayrasaka HIV, waxa markaa suurto gal ah inuu fayraskii u gudbo qofkii dhiigga lagu shubaay, sidaas awgeed wakhtigan xaadirka ah, dawladaha adduunka badankoodu waxay baadhitaan ku sameeyaan dhamaan dadka ku tabarucaya dhiiggooda inta aan dhiigga laga shubin, si loo hubiyo inaanay qabin aafada fayraska HIV, taas oo aad u yaraynaysa fursadda ay dadku isugu gudbin karaan fayraska soo raaca dhiigga la isku shubo.

Is-dhunkashada lagu dheeraado ee u dhareerka afku is gaadho, aad bay u yartahay fursada la isugu gudbin karaa fayraska HIV, laakiin haddii ay labada qof ama midkood u nabar afka ku leeyahay waxa suurto gal ah in fayraska laysugu gudbiyo, sidoo kale cadayga ama burushka lagu cadaydo waxa fiican inaan la wada isticmaalin in kastoo fursadaha ay fayraska ku gudbin karaan ay aad u yartahay hadana in laga digtoonaado way haboon tahay.

Fayraska HIV la isuguma gudbin karo marka la istaabto, ama la is salaamo, ama hindhisada ama haddii candhuuf la isku tufo ama weelka cuntada iyo cabbista, ama cuntada, ama berkadaha lagu dabbaasho, ama tuwaalada, ama fadhiga suuliyada, ama qaniinyada kaneecada iyo xasharaadka kaleba. Kalkaalisooyinka iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya adeegyada caafimaadka dareerayaasha jidhka ee dadka buka, waxa lagu tababaraa sidii ay uga taxadiri lahaayeen inay aafadu u soo gudubto.

Qofka aan ku ibtiloobin galmada aan xalaasha ahayn ee aan isticmaalin mukhadaraadka la isku mudo, waxa suurto gal ah inuu ka badbaado aafada HIV iyo cudurada kale ee galmada la isugu gudbiyo. Hadii qof u guursado ama aanu hore qof kale ugu galmoon guurka hortii, taa macnaheedu ma aha inaanu ku aafoobi karin fayraska HIV, dad badan oo sidaa rumaysnaa ayaa ku aafoobay fayraska, taasina waxay sid a qaalibka ah ku dhacdaa dumarka oo meesha keliya ee khatartu uga iman kartaa tahay marka ay raga qaba isu tagaan.

Labada qof ee is qabaa haddii ay daacad isu yihiin oo ay fahmaan cawaaqib xumada ay sinadu leedahay if iyo aakhiraba, way ka badbaadaan khatarta ah inay ku aafoobaan fayraska la isugu gudbiyo, haddii aan midkoodna qabin cuddurradaa ka hor intaanay is guursan ama aanu midkood ka qaadin dhiig aafaysan oo lagu shubay ama irbad leh dhiig u fayrasku ku jiro aanay isku mudin . Maydhashada jidhka la maydho iyaduna waxba kama tarto inay horjoogsato qaadista fayraska HIV.

Waxa jira caddaymo waadax ah oo muujinaya inay cudurrada galmada lagu kala qadaa ay qofka ku keenaan khatar ah inuu si fufud u qaadi karo fayraska HIV, waxana laga yaabaa inay taasi sababteedu tahay dildilaaca iyo nabarada maqaarka ee la socda cudurada galmada lagu kala qaado. Hadii aad ka shakido inaad qaaday mid ka mid ah cudurrada galmada lagu kala qaado si dhakhso ah ula tasho dhakhtarka. Qof kasta oo ay cuddurrada noocaas ihi ku dheceenna wuu ogsoon yahay inay galmado sabab u tahay qaadista cudurka HIV/AIDS.

La soco.

Top


Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Warbixin Kasoo Baxday Maraykanka

Riyadh (W.wararka) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Sacuud Al Falsal ayaa wadahadalo kula leh madaxweynaha Mareykanka George Bush magaalada Washington, si ay isula falanqeeyaan warbixin uu kongareysku soo saaray oo boqortooyada Sacuudiga ku xidhiidhinaysa weerarkii Mareykanka loo geystay 11kii Sebtember.

Warbixintan oo ka kooban sagaal boqol oo bog ayaa todobaadkii hore la soo saaray, waxayna timaameysaa in shaqsiyaad xidhiidh la leh dowladda Sacuudiga in laga yaabo in ay taageero dhaqaale siiyeen afduubayaashii geystay weeraradaa.

Dowladda Sacuudiga ayaa si xoog leh u beeneysay eedaymahaa loo soo jeediyay.

Dolwadduna waxay sheegtay in ay su'aalo weydiineyso ugu yaraan afar qof oo gacanta lagu dhigay maalintii Isniintii, ka dib markii ciidamada amaanku ay weerareen goob looga shaki qabay in ay lahaayeen oo ay ku dhuumanayaan muslimiinta xag jirka ah.

Top


Sadaam Xuseen Oo Tacsiyadeeyay Labadiisii Wiil Ee Ay Ciidamada Maraykanku Dileen

Baqdaad (W.wararka) Madaxweynihii talada laga qaaday ee Ciraaq sadaam Xuseen ayaa Tacsiyadeeyey labadiisii Wiil ee Cuday iyo Qusay oo ay Ciidamada Maraykanku dileen Todobaadkii hore kadib markii ay weerar ku qaadeen guri ku yaala Magaalada Moosil.

Tacsidaana sadaam xuseen waxa uu ku soo diray Cajalad cusub oo uu soo duubay taasoo uu habeenkii xalay sii daayey telefishanka Al-Carabiya, waxaanu marka hore Sadaam Xuseen Illaahay ugu mahadnaqay shahiidnimada ay ku dhinteen Labadiisa Wiil Kadib markii sida uu sheegay ay Cadawga la galeen Dagaal qaatay lix saacadood. Waxaanu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay Sadaam Xuseen “Hadii aan lahaan lahaa 100 wiil oo aan ahayn Cuday iyo Qusay waxaan u hibayn lahaa inay ku dhintaan dariiqa ay ku dhinteen labadoodu.”

Cajaladan cusub ee sadaam Xuseen waxay ku soo beegantay iyadoo uu maalintii shalay golaha maamulka ee Ciraaq ay doorteen 9 xubnood oo ah gole madaxtooyo oo wareegto ah, kuwaasoo xalka u hayn doona si ku meelgaadha.

Dhinaca kale, Ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhowr qof, ka dib markii ay shalay aroornimadii weerar ku qaadeen magaalada Tikrit ee ku taala waqooyiga Baqdaad.
Afhayeen u hadlay ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in nin ka mid ah dadka la qabtay in la aaminsan yahay in uu mudo dheer ilaaliye u ahaa Saddaam Xuseen.

Ciidamadu waxay sheegayaan in ninkan si xoog lagu jajuubay ka dib markii uu damcay in uu diido in la xidho, haddana waxaa su'aalo weydiinaya ciidamada Mareykanka ee gacanta ku haya.

Magaalada Tikrit oo aheyd magaaladii ugu danbeysay oo ay xulufada Mareykanka uu hogaaminayay ay ka qabsadeen Ciraaqiyiinta markii uu socday dagaalku, ayaa waxay tahay magaalada uu ku dhashay Saddaam Xuseen, waxayna wax badanba aheyd halka xudunta u ah awoodiisa, inta badana si weyn looga taageeri jiray.

Sida lagu sheegay afti ay qaaday Al-jazeera dadweynaha reer Ciraaq badankooda ayaa kasoo horjeestay aasitaan la’aanta iyo sida loo faafiyay sawirada labadii wiil ee Sadaam Xuseen ee ay Maraykanku dileen, iyadoo dadweynaha reer Ciraaq 67.6% ay kasoo horjeestaan arrintaasi oo ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah shareecada Islaamka halka ay ka taageereen 29.4% dadweynaha reer Ciraaq.

Top


ECOWAS Oo Ciidamo Nabad Ilaalin Ah U Diraya Liberia

Manrovia W.wararka) Saraakiil ka socota Galbeedka Afrika oo ku kulmayay dalka Ghana ayaa sheegaya in ayna suurogal aheyn in si dhakhso ah lagu geeyo Liberia ciidamamada nabad ilaalinta ee gobolka, maadaama uu aad u sii kululaaday dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo labada kooxood ee mucaaradka ah.

Saraakiishan oo ka socda urur goboleedka ECOWAS ayaa sheegay in dagaalku uu xataa hakiyay ciidamadii sahanka ahaa ee la diri lahaa.
Kun iyo sedex boqol oo askari oo ka tirsan ciidamada dalka Nigeria oo ku diyaar ahaa dalka dariska ah Sierra Leone ayaa sugaya in loo qaado dalka Liberia.

Hase ahaatee, madaxweynaha dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo ayaa sheegaya in dalkiisu uu gacan weyn uga baahan yahay dalalka dibadda si ay u qaadaan culeyska saadka iyo kharajka ku baxaya ciidamda horseedka u noqonaya howlgalkan.

Ciidamada mucaaradka ayaa Isniintii qabsaday magaalada labaad ee Buchanan ee ugu weyn dalka Liberia.

Afhayeen u hadlay dowladduna waxaa uu sheegay in dowladdu ay qorsheynayso dagaal ay dib ugu qabsato dhulka laga qabsaday.

Top


Maxkamad Lagu Oogay Madaxweynaha Masar Ee Xusni Mubaarak

Qahira (W.Wararka) – Waxa ka socota dalka Masar maxkamad ay ku oogeen Madaxweynaha dalkaasi Xusni Mubaarak kooxaha Islaamiyiinta ah, kuwaasoo ku eedaynaya inaanu marna cayimin Madaxweyne ku xigeen xilka uga dambeeya tan iyo markii uu xilka la wareegay 1981-kii. Dacwadan oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ka dhacda dalka Masar waxay ku soo beegantay iyadoo uu dalkaasi ka socdo muran ku saabsan qaabka Xukunka loola kala wareegayo haddii ay banaanaato jagada madaxtinimadu, iyadoo aanu dalkaasi lahayn Madaxweyne ku xigeen, waxaana la sheegay in maxkamadda sare ee dalkaasi ay dib u dhigtay dhegaysiga dacwadaasi ilaa 11 November ee soo socota si ay xukuumadu u soo diyaarsato difaaceeda dacwadda ku wajahan.

Sida ay ku doodayaan kooxaha Madaxweynaha ku oogay dacwadu cayimitaan la’aanta Madaxweyne ku xigeenku waxay meel ka dhac ku tahay dastuurka dalkaasi, gaar ahaan qodobkiisa 139 oo ka hadlaya magacaabista Madaxweyne ku xigeen, waxaanay ku doodayaan inuu dalku khatar geli karo haddii ay xaaladdu sidan ku sii socoto haatana ay daruuri tahay in la magacaabo Madaxweyne ku xigeen.

Top


Bam Lagu Qarxiyay Huteel Ay Deganaayeen Ergada Midowga Afrika Oo Ku Yaala Muqdisho

Muqdisho (BBC)Waxa uu habeen hore bam ku qarxay meel ku dhow albaabka hotelka weyn ee Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay deggen yihiin xubnaha wafdiga sahanka ah ee hub ka dhigista Soomaaliya.

Bambkaasi oo ah nooca gacanta laga tuuro ayaa qarxay toban daqiiqo ka hor siddeeddii fiidnimo ee xalay, kaasoo geystay argagax weyn, hase yeeshee aanan geysan dhibaato kale oo muuqata.

Waxa uu ahaa bas nooca Coaster-ka loo yaqaanno oo ah kuwa dadka qaada oo marayey albaabka hotelka Saxafi isla markaana ay saarnaayeen ilaa afar qof, waxaana uu bamku qarxay isla markii uu basku ku beegnaa albaabka hoteelka.

Qaraxa bambkaasi meelna ma gaadhin ee waxa uu ku qarxay isla baska hoostiisa, waxaana uu burburiyey dhammaan muraayadihii baabuurka, aagga oo dhanna waxaa markiiba qariyey qiiq iyo habaas, laakiin ma jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay qaraxa bambadaas.

Ilaa iyo hadda waxaanan kala caddayn in bamkaasi uu ahaa mid loola jeeday hotelka oo lagu soo tuuray oo ay tuurmadana ka xumaatay iyo in uu ahaa mid si kama ah uga qarxay baska sida uu qabo ku-xigeenka maamulaha hotelka Saxafi, Maxamed Xasan Gaafaa.

Isla markii uu bamkaasi qarxay waxay ilaalada hotelka markiiba eryeen baskii oo ku soo qabteen isgoyska Lambar Afar oo aananba waxba ka fogeyn, hase yeeshee ay afartii nin ee saarnaydba ka kala carareen.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale markiiba goobtaasi tegay ciidanka booliska dowladda KMG ah oo xaruntooda CID-da ay iyana meeshaba ka fogeyn, waxaana baskii la geeyey xarunta dembi baadhista.

Maxamed Xasan Gaafa, ku-xigeenka maamulaha hotel Saxafi, waxa kaloo caaddeeyey in darawalkii baska uu isagana mar dambe keligiis iska yimid isagoo argagaxsan waxana uu u sheegay in isaga xitaa aanu kala garan karin in uu bambaasi isaga ka dhacay iyo in kale.

Waxaanay hadda booliska dowladda KMG ah xaruntooda CID-da ku hayaan darawalkaasi oo su'aalo la weydiinayo iyo baskii ilaa inta ay baardhtaankooda ka soo gebagebaynayaan.

Cabdullaahi Firimibi oo ah Guddoomiyaha KMG ah ee gobolka Banaadir oo isaguna joogay hotel Saxafi goortii uu bamku halkaasi ka qarxayey ayaa walaac ka muujiyey in ay jiri karaan dad sida uu sheegay aanan doonaynin nabad iyo in Muqdisho ay noqoto meel nabdoon, sababtuna ay tahay buu yirdh iyadoo uu hubku gacmaha ugu jiro dad wax ma garato ah sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxa bamkani waxa uu ku soo beegmay xilli ay hotel Saxafi deggen yihiin wafdigii sahanka ahaa ee hub ka dhigista Soomaaliya ee ka socday ururka Midowga Afrika, waxaana xilliga uu bamku qarxay sidoo kale halkaasi joogay oo shir ku lahaa qaar ka mid ah saraakiisha sar-sare ee dowladda KMG ah oo uu ku jiro Ku-Simaha Ra'iisal Wasaaraha Cabdi Guuleed iyo xubno kaloo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa qaraxa bamkani ka horreeyey waraaqo digniin ah oo lagu daadiyey meelo ka mid ah magaalada Muqdisho oo gaar ahaanna loogu digayey milkiileyaasha hoteellada in aanay soo dhoweynin wafdigaasi sahanka hub ka dhigista ah.

Hase yeeshee ilaa intii ay yimaadeen wafdigani magaalada Muqdisho waxay hawlahooda u wateen si caadi ah iyagoo aan la kulmin wax caqabado ah, haatanna dhacdadani xalay waxay dadka intiisa badan u tiirinayaan in ay ahayd mid shil ah oo aan siyaasad ku lug lahayn.

Top


Werwer Laga Qabo Xaaladda Afqaanistaan Oo Kasii Daraysa

Kabul (W. Wararka) – Hay’adda u Ololeysa xuquuda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dalka Afqanistaan in la soo gudboonaatay jawi cabsi leh oo hadheeyay dalka.

Hay'addu waxay xaalada amaan xumada dalka Afqanistaan ay dusha ka saartay hogaamiyaasha kooxaha hubeysan oo ay sheegtay hay'addu in ay taageero ka helaan Mareykanka iyo xulufadiisa.

Waxay Hay'addu warbixinteeda ku sheegtaay in xagjirnimda xagga diinta ah ay bilowday in ay dib u soo noqoto, taas oo kaliftay in uu hakad galo hormarkii dumarka ee la gaadhay dhicitaankii Taalibaan ka dib.

Warbixinta Human Rights Watch waxaa kale oo lagu sheegay in falalka afduubka, dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuda aadanaha ay ku faafeen Afqanistaan. Arrintaas oo laga yaabo in ay dib u dhac ku keentay doorashadii lagu waday in laga qabto dalka Afqanistaan bishka June ee sanadka soo socda.

Waxay intaa ku dartay hay'addu in xadgudubyadaas ka dhanka ah Xuquuda Aadanaha ay geysteen qaar ka mid ah ciidamda amaanka oo isugu jira boliis iyo milatari. Ciidamdaas oo ka amar qaata dowladda Xaamid Karazai.

Afhayeen u hadaly Xaamid Karazai ayaa sheegay in dowladiisu ay ku dadaaleyso in ay si wanaagsan ula dhaqanto hogaamiyaasha kooxaha hubeysan iyo in ay ku dadaalayso in ay soo celiso ciidamada amaanka.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Bulshada Haboon, Ururka Wax U Qabo

Qoraalka Qaybta 1aad Ee Bulshadda Haboon Kobcinta dhaqaalaha iyo saamaynta ay ku leedahay bulshadda haboon

Marka aan eegno xaaladda dhaqaale ee dalkeenu ku jiro, waa mid aad u hoosaysa. Waayo, iibkii xoolaha dibaddu hadda ma socdo, wax soo saarka beeruhu aad buu u yar yahay, warshado kalana ma shaqeeyaan. Waxa qudha ee dalka lagu maamulaayi waa dakhliga ka soo xerooda cashuuraha kastamada iyo cashuuraha barriga. Kuwaasna si fiican looma qaado loomna bixiyo. Dhibaatada hoos u dhaca dakhliga cashuuraha waxa u sabab ah dhowr arrimood:

Daryeel la’aanta shaqaalaha cashuurta maamula.
Ganacsatada iyo dadweynaha kale oo aan ku qanacsanayn cashuurta waxa lagu qabto.

Adeegyadda kala duwan ee bulshadda oo aan dawladdu wax horumar ah ku sameeyn iyo ganacsatada oo ka cabanaysa cashuurta oo ku qaali ah.

Arrintani waxay dhiiri-gelisay laaluushka curyaamiyey dhaqaalaha dalka. Kuwaasoo aan muddo dheer waxba laga qaban.

Haddaba, markaan u soo noqono aragtida bulshadda haboon, waxa ina hor imanaaya dhowrkan arrimood ee ay leedahay bulshadda habooni:

Bulashada habooni waata ka dhowrsoon xumaha wanaagana dhiira gelisa.
Bulshadda habooni waxay ka bilaabantaa qoyska wanaagsan ee dhaqanka iyo diinta Islaamka leh.

Bulshadda habooni waata dadkeeda horumarka iyo wax wada qabsiga la jecel tafaraaruqa iyo qabyaaladana ka fogaata.

Bulshadda habooni waata aqoonta iyo sharciyadda ka dambaysa.
Bulshadda, habooni waata dalkeeda iyo qaranimadeeda jecel, nabadgelyadda iyo xidhiidhka daris wanaagana dhowrta.

Haddaba, markaan ka hadlayno bulshadda haboon ee sifooyinhkaas aan soo sheegnay leh. Shaqaalaha bulshadda haboon iyo qaadashada laaluushka; waxaan rumaysan-nahay in dadka ka soo baxa bulshadda habooni ay ka xishoodaan qaadashada iyo bixinta laaluushka labadaba. Waayo, qadashadda iyo bixinta laaluuskhu waa dambi culus aduunyada iyo aakhiradaba.

Waxaana hogaamiya damiirkooda iyo aaminsanaantooda iyo ku dahaqankooda diinta Islaamka. Madaama aan nahay umad Islaam ah oo doonaysa in Islaamnimadeeda caalamku kaga daydo. Bulshadda habooni waata ilaalisa adaabta iyo akhlaaqda shaqsiga. Sidaas darteed qofka bulshadda haboon ka yimid waanaag iyo horumar buu ku soo kordhiyaa umadiisa ee isagu dhibaato kuma abuuro.

Qofka bulshadda haboon ka tirsani masuuliyadda ama xilka qaranka ma doonto, hadii aanu ka bixi karyn ama fulin karayn aqoon ahaan, khibrad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Waxa hubaal ah in dawladda habooni ka timaaddo bulshadda haboon.

Haddaba, waxa isweydiin leh dadkeenu sidee bay ugu bisil yihiin bulshadda haboon. Waxaan odhan karnaa dadkeena wax yar baa gaadhay darajadda bulshadda haboon. Waayo, laaluushku sharci kama noqdeen meelaha qaarkood ee maamulka ka mid ah sida goobaha cashuurta lagu qaado, maxkamadaha, maamulka dawladaha hoose iyo meelaha kalee adeegyada dawladda lagu qabto.

Dhibaatadu waxay tahay masuul iyo shaqaaleba dadkii bulshadda haboon ka tirsanaa way ku yaraayeen maamuladeena, mid hore iyo mid dambeba. Arrinku halka aw iska qaban laayahayna waa halkaas. Sidaas darteedna waxa loo baahan yahay in wacyi-gelin badan lagu sameeyo bulshaddan wanaag farid iyo xumo reebid ah. Si ay umadda badankeedu ugu xisaabtanto una fuliso wanaaga iyo wax qabadka dadka iyo dalkuba u baahan yahay.

Qoraaladan bulshadda haboon waxaan ugu talo galay inaanu ku dareensiino dadweynaha waxyaabaha looga baahan yahay si loo helo bulshadda haboon.

Allaa Mahad Leh.

URURKA WAX U QABO

Top


Ma Is Kaafiyayaan, Muuse Aaye

Gabay.

Kontonkeena wasiir iyo kooxda baarlamaanka,
Odayaal kursi fuulay, oo ninba kiish u samaystay,
Iyo kaashka naaliyadeenu ma iskaafiyayaan.
Askariga aan kolla seexan, Shisheeyaha ina kulaala, ee kormeera dhulkeena, isna waa boqol kun.
Kuwa aad korisaan iyo kuwa ay koriyaana, calankan baa kulmiya, oo kaasaa u dhexeeya.
Kol dambay iskhilaaftiyo, uma baahnin kadeed.
Qori bay keebka hayaane, kacdoon yuu ka dilaacine kuwaasuun wax u dhiiba.

Gabaygan
Gabaygan jawaab awliyo ama “Ambataye midhka u toos”, wuxuu ka jawaabay jawaab celintii Axmed Aw Geedi ee ku soo baxday jaraa’idka Jamhuuriya Cadadkiisii 22-kii July 2003, kaas oo ku daadifaynaysay karaamada awliyada jawaab celintaas oo daba socotay gabay uu cuskanayo Awliyada Warsame Sh. Cumar iyo tii Allaay Adeeg, ee Cabdi Aadan Qays oo uu ula baxay “Kuwa Nool Ergo U diro” ku soo dhawoow maansadani
Ambataye Midka u Toos
Aw Geediyow maqal, abwaan aakhiru sabaanow itixaad ahaayaw, ambataye midhka u toos
nin Ilaahay qirayaa inkiro awowgii,
awliyadda ma caasiyo,
inankii abraaree
awliyada hujuumee
iilka noogu soo galey
aw hebel siduu yidhi
arbiciin dharaarood
igu eega wiilkaa
waa ayaamahaygii
isha loo marmaran jirin
kaan arkaba la tagi jirey
inanyahaw NGO
islaaxiga u haystaa
asal raac haddaad tahay
orod qabo afganistaan
adigoon aflixinoo
aayad qudhana ka adkaan
jis camaawi edeb daran
muxuu sheekh aweys iyo
adeeg awliyaad
arrimaha fog ee jira
sirta laalan oogada
ilamaa suldaan iyo
ka yaqaan amuuraha
awliyadda Ilaahay
laguma anafoodee
iyadaa iska bari
adigoo indhaha xidhan
adimadoo la faytiyo
iimaankaagu qalal yahay
agoomaha dilaaloo
oor-fanada ka ganacsada
oonka soo helay
safaari aano loo tolay
afar shay ka iibsada
oo oontu ka soo helay
afka taaga kaligii
aw geediyaw maqal
ambataye midhka u toos
uda ceelka hays dhigin
aabahaa ha eedayn
aw baa la socotee
aakhiro ha fara-gelin
abeesada jixiimiyo albaab ha isku furin albaab adoon aad u garan weli
horta anigu yaabaye
ma NGO-yadii iyo
aafo-yookadiibaa
kula galay amuurahan

la soco.

Top


Hala Dhowro Xuquuqdii SNM

Waxa aan marnaba ka guureyn xiska muwaadin kasta oo reer somaliland oo damiir fayow lahaa gudagalkii Burco ee May 27, 1988, Iyo gudagalkii Hargeysa ee May 31, 1988. Waxa ay xasuus dheer u leedahay mujaahidiintii Ciidanka xoreynta SNM khaasatan ciidanka qaybaha 12 ee Madiina iyo 31 ee Maka lagu wanqalay oo ka qayb galay hawlgalkii cuslaa ee Hargeysa iyo urco.

Hadaba xiligaas oo ku beegnaa heshiiskii kelidii taliye Barre iyo Mengistu Hayle ay ku gadheen Djibouti ee uu Xasan Guleed dhexdhexaadinaayey, waxa 4th April 1988 bilaabmay fulintii heshiiska oo dhigayay in la kala fogeeyo ciidamada xuduudaha degen, ayna kormeeraan madaxdii qaybta 26aad iyo saraakiishii qaybta hararge ee bariga itoobiya. Waxaanay dawladiihii u bilaabmay booqashooyin iyo in ay Itoobiya ku amartay ciidamadii SNM in ay ka soo baxaan jiida hore ee xuduuda, laguna soo xereeyo xeryo hub-ka-dhigis ah oo gudaha Itoobiya ku yaala, sidoo kale waxa ciidamadii SNM laga joojiyay dhammaan taakulyntii saanada iyo shidaalka ee ay Itoobiya hore u siin jirtay.

Waxa kor u kacay niyadii ciidamada Afweyne oo ku hamiyay in ciidamada SNM ay u qaybsami doonaan wax xuduuda ka soo talaaba oo isa soo dhiiba iyo wax xeryaha Itoobiya ku abaada. Waxa ay ciidamadii faqash bilaabeen hawlgalo degdeg ah oo ay ku sii naafaynayaan cududa ciidamada SNM ee ku sugnaa xuduudaha dushooda. Taliyihii qaybta 26aad Morgan “cabdi bile” oo la hadlaya saraakiishii iyo ciidamadiisii duulaanka ku soo qaaday ciidanka SNM ee fadhiisinkoodu ahaa tuulada Cabdi Yusuf isaga oo la dardaarmaya ayaa waxa uu yidhi : “Waa tiro yar oo gaajaysan ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanaysaa , shaqada labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku waqti hawlgalkiinu bilaabmayaa, waa in aad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan”.

Dagaalkaasi oo ay guushiisa meel sii dhigteen may mahadin. Waxa hawlgalka Hargeysa uu 3 maalmood oo qudha ka danbeeyey markii ciidamada xoreynta ee Qeybtii 12aad ee Madiina ay weerer culus ku hilaaciyeen magaalada Burco. Iyaga oo ciidamada cadawgu ay ka war hayeen duulaanka SNM ee ku soo maqan waxay dadweynihii Hargeysa iyo Burco ee waxba gaysan ay saareen culays xad-dhaaf ah waxay xasuus aan go’ayn u leedahay dadkii Hargeysa iyo Burco xiligaas ku sugnaa waxa ciidamadii Afweyne la soo safay wadooyinka iyo xaafadha Hargeysa, Burco , Berbera, Gabiley, Ceerigaab iyo Shiikh, waxa ay suuqyada iyo guryaha hortooda ka ugaadhsanayeen dadka muuqda sidii ugaadha. Waxa ay magaalooyinkaasi muquurteen bandoo aan habeen iyo maalin toona kala lahayn.

2:00AM, habeenimo ee May 31 1988 ayay magaalada Hargeysa ku baraarugtay shanqadha raasaasta ciidamada xoreynta SNM ee ka hilaacay fadhiisimada qaybta 26aad ee Hargeysa. Mujaahid Muse Bixi iyo Dhagaweyne oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay hawlgalkii Hargeysa , halka ay ka burco hogaaminayeen Mujaahid Axmed Mire iyo Moxamed Kaahin iyo rag kaloo badan, hawlgalkii hargeysa oo wax laga weydiiyay labada mujaahid ee muse bixi iyo dhagaweyne xasuusta in ay sawir kooban ka bixiyaan iyaga oo arrintaa ka jawaabaayan waxa ay yidhaahdeen:

“ Maalintaasi waxa ay ku beegnayd muddo ay sanad ka soo wareegtay dilkii mujaahid weynaa ee Aadan Sh. Maxamed “ Adan shiine” oo May 31 1987 lagu dilay jigjiga , waxay ahayd maalin adag, waxay ahayd maalin la kala doortay geeri iyo nolol, waxay ahayd maalin ciidamadii SNM iyo shacbigoodii nolosha naceen, kana door bideen in ay huraan naf iyo maalba. Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen ummadii iyo SNM gudo iyo dibadba.

Fulinta go’aankaa adag waxa ku suntanaa ciidamadii xoreynta SNM oo si dhiiran u fuliyay, oo midhaheediina noqday xorriyadda Somaliland ee maanta la wada hadhsanayo Ilaahayna how naxariisto intii ku shahiiday…Amiin.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkan Taariikhdu way kala sheegi “ kii idin gawracay iyo guusha kii dhaliyay “ , SNM aboolkooda Ilaahay baa siin, lakiin shaicibkii ay u soo dhinteen kamay fileen in ay ku abaalka daraan, lakiin xaga rabi ayaa laydinka jari doonaa. Qaasim ayaa bari hore yidhi tixdan “ Mar uubaa olalihii la iridi kii arbacadiiye, aagan ka buuxsada dhowaan ma arki doontaane.”

An African Proverb says “ the bell rings loudest in your own home”

ANIIS CABDILLAHI CIISE.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: “Waxaan Garoomada Kubadda Cagta Sii Joogayaa 2 Sanadood Oo Keliya,” Zinedine Zidane

C/Fataax M. Caydiid

Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Xulka wadanka Faransiiska iyo kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, ayaa sheegay inuu ciyaaraha kubadda cagta iska casilayo, kadib marka uu dhammaado heshiiska uu kula jiro kooxda Real Madrid sannadka 2005-kii.

Ciyaartoyga Zidane oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Aljeeriya, da’diisuna tahay 31-jir ayaa suxufiyiinta u sheegay inuu inta ka hadhay dhammaadka heshiiska Real uu ka qayb-geli doono tartan kasta oo ay leedahay kooxdu, una ciyaari doono sida ugu wanaagsan.

“Waan ku adagahay heshiiska aan kula jiro Real Madrid oo muddadiisa ka hadhsan tahay 2 sannadood. Waxaanan u ciyaari doonaa sida ugu wanaagsan ee aan kari karo tartankasta oo ay kooxdu ka qayb-gasho ilaa inta uu heshiiisku dhammaanayo,” ayuu yidhi Zidane, isagoo intaa ku daray “Waxaan iskaga casili doonaa ciyaaraha si deggan kadib marka ay dhammaadaan labadaa sannadood.”

Ciyaartoygan Zidane, waxa uu kooxda Real Madrid kaga soo wareegay kooxda Talyaaniga ah ee Juventus sannadkii 2001-kii heshiis qiimahiisu dhammaa $ 64.4 Milyan (afar iyo lixdan milyan, afar boqol oo kun oo doollar), kaas oo ahaa qiimaha ugu sareeya sayladda ciyaartoyda lagu kala iibsado.

Zidane waxa uu hadda la joogaa kooxdiisa Isbaanishka ah ee Real Madrid oo haatan safar ciyaareed ku jooga dalka Shiinaha, taas oo qaadan doonta muddo saddex toddobaad ah oo ugu diyaar-garoobayaan xilli-ciyaareedka cusub.

Zidane waxa uu ku guulaystay jaa’isadda xiddiga adduunka sannadihii 1998 iyo 2000, isagoo u saftay Xulkiisa Faransiiska 82-ciyaarood, waxaanu u hogaamiyay in ay Faransiisku ku guulaystaan koobka adduunka sannadkii 1998-kii iyo koobka Horyaalka Qaaradda Yurub sannadkii 2000.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa suura-gal ah in ay ciyaarihiisa ugu dambeeya ee uu u safan doono xulka Faransiiska noqon doonaan tartanka kama-dambaysta ah ee koobka Horyaalka Qaaradda Yurub ee lagu qaban doono dalka Boortaqiiska sannadka soo socda ee 2004.


Xulka Talyaaniga Ee Da’doodu Ka Yartahay 19-Jirka Oo Ku Guulaystay Koobkii Yurub

Tartanka kubadda cagta ee ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 19 sannadood ee dalal Qaaradda Yurub, ayay ku guulaysteen Xulka dalka Talyaaniga, kadib markii ay dalka Boortaqiiska kaga badiyeen ciyaartii kama-dambaysta ahayd 2-0.

Tartankan oo ay ku tartamayeen 8 dal oo iyagu isugu soo hadhay tartanka kama-dambaysta ah ee Horyaalka Qaaradda Yurub ee ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 19-jirka oo lagu qabtay magaalada Vadus ee dalka Leichtenstein, waxaa loo qaybiyay laba qaybood (Groups) oo kala ahaa:
Group A; Italy, Leichtenstein, Norway iyo Portugal, halka ay Group B ku wada jireen: England, Austria, France iyo Czech Republic.

Tartankan oo lagu soo gabeeyay shalay magaalada Vadus ee dalka Leichtenstein, waxa ciyaartii kama-dambaysta ahayd isugu soo hadhay kooxihii metelayay dalalka Talyaaniga iyo Boortaqiiska, halkaas ay guushi ku raacday xulkii dalka Talyaaniga oo 2-0 ugu awood sheegtay xulkii Portugal.

Top