Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 387 August 1, 2003

Wefti Reer Djabuuti Ah Oo Maanta Imanaya Hargeysa

Qasriga Madaxtooyada: Madaxweyne Rayaale iyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada Oo Kulan Fadhi Ah Jilbaha Is Daray; Qodobada Laga Wada Hadlay Iyo Jawaabaha La Isu Baaciyay.

Boorama: Mawqifka Mas’uuliyiinta Iyo Rabshadaha Faraha Lagaga Gubtay Ee Dhallinyarada

Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Wasiirka Daakhiliga Iyo Saraakiisha Bilayska ku Eedeeyay Inay Horjoogsadeen Hawshoodii, “Oday Cabdi Waraabe Wuxuu Jeebka ku qaatay Shaambadii Xafiiska.. Waxaan hayaa Warqad uu Wasiirku ku sheeganayo Inuu Dhulka Badh Xukumo”

Dhimasho Iyo Dhaawac Xiisad Ka Abuuray Deegaanka Tog-Wajaale

Ururka Qareenada Somaliland Oo Afar Xubnood Ururka Ka Saaray

Dunida Iyo Toddobaadka Naas-Nuujinta

Iskuulka 17 May Iyo Xafladii Qallin-Jebinta Ardayda Xisaabta

Ururka SOYDA IYO Ololihiisa Daryeelka Carruurta

Cabdiqaasim Oo Ka Baxay Shirka Nairobi

Hogaamiyihii mucaaradkan Sierra Leone oo Geeriyooday

Falastiiniyiinta Oo Ka Gadooday Gidaarka Ay Israa’iil Ka Dhisayso Daanta Galbeed

Hindise Ku Saabsan Dib-U-Habaynta Qaramada Midoobay

Laba Hablood Oo Uu Dhalay Sadaam Xuseen Oo Magan-Galay Dalka Urdun

Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Oo Tegay Laybeeriya

Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka; Waxa Qoray: Cabdi Caara-Dhuub, waxana Tifaftirey; A. Ducaale

Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Q: 4aad, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray: Cumar Cali Iidle.

IFTIINKA ISLAAMKA: Maxaynu Wax U Qaban La’nahay? Q; 2aad


Wefti Reer Djabuuti Ah Oo Maanta Imanaya Hargeysa

Hargeysa (Haatuf) – Wefti Jabuutiyaan ah oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Baanka Djabuuti, Jaamac Maxamuud Xayd, ayaa maanta lagu wadaa in ay socdaal ku yimaadaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaana waxa sheegay warar xog-ogaal ah oo u dhuun-daloolla dhinaca xukuumadda, iyadoo u diyaar-garowga soo dhaweynta weftigaa dhaqdhaqaaqeeda maalintii shalay laga dareemayay magaalada Hargeysa, taas oo la filayo in ay weftiga Djabuuti Madaarka ku soo dhaweyn doonaan Xubno sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Wararku ma sheegin ujeedada socdaalka weftigaa, isla markaana ilaa hadda lama ogga muddada ay dalka ku sugnaan doonaan, waxaase la filayaa inay koleyba wada-hadalo la yeelan doonaan Masuuliyiinta Somaliland, laakiin weftigan reer Djabuuti waa weftigii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Somaliland yimaadda. 

Top


Qasriga Madaxtooyada: Madaxweyne Rayaale iyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada Oo Kulan Fadhi Ah Jilbaha Is Daray; Qodobada Laga Wada Hadlay Iyo Jawaabaha La Isu Baaciyay.

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweyne Rayaale oo ay weheliyaan xayn ka tirsan golihiisa wasiirada iyo mudanayaasha golaha wakiilada oo uu horkacayo shirgudoonkoodu ayaa shalay kulan fadhi ah ku yeeshay qasriga madaxtooyada Somaliland, taas oo ay labada dhinac kulan saacado badan qaatay jil-baha is dhigeen, isla markaana sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah uu kulankaa u dhuun-daloolay waxay labada qolo ka wada hadleen arimo door ah oo la xidhiidha waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Fadhigani waxa uu ka dambeeyey macsuum uu Madaxweyne Rayaale u fidiyey mudanayaasha aqalka wakiilada, waxaana dhinaca wakiilada kulankaa ka qayb galay inta badan xubnaha golaha wakiilada, wuxuuna kulankani qabsoomay ka dib markii uu inmuddo taag-taagnaa xaalka u dhexeeya aqalka madaxtooyada iyo aqalka wakiilada, isla markaana waxa dhawr maalmood oo qudha laga joogay markii ay mudanayaasha golaha wakiiladu ka soo fanjeediyeen ajande ku saabsan ansixinta xubnaha wasiirada, taas oo keentay inay rag muhim ah oo golaha wasriirada ka tirsan la hadhaan, ka dib markii ay ansixintooda kala horyimaadeen cod diidmo, ragga wasiirada ah ee ay golaha wasiiradu lugta ku dhegeen, kana reebeen ansixinta waxa ka mid ah wasiirkii macdanta iyo biyaha, Qaasin Sh. Yuusuf oo ay Madaxweyne Rayaale dhalasho ahaan isku degaan ka soo wadajeedaan, sidoo kale waxa ragga lala hadhay ka mid ahaa wasiirkii warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka mid ah ragga ugu cimriga dheer ee xil wasiirnimo ka soo qabta Somaliland, iyadoo uu Cabdilaahi muddo ilaa 12 sannadood gaadhaysa wasaarado kala duwan wasiir ka soo noqday, isla markaana ka mid ahaa ragga ugu awoodda badan xubnaha golaha wasiirada, laakiin maalintii dhowayd waxay nimanka mudanayaasha ahi ku diideen cod aqlabiyad ah.

Waxa kale oo ay mudanayaashu diideen qaar ka mid ah wasiirudawlayaasha, sidaa darteed markii ay soo duushay sheekada ah inuu Madaxweyne Rayaale kulan ku casuumay mudanayaasha waxa soo baxay dareen su’aal dhawr ah xanbaarsan, taas oo ay markiiba la soo tuuray su’aal odhanaysa “Kolay waxa uu kala hadlayaa soo celinta xubnaha wasiirada ah ee ay diideen, taasina waxay dhalisay waxoogaa dood ah, iyadoo ay dadka qaar iswaydiinayeen tolow magaca iyo karaamada golaha wakiilada ee awelba maqaamka waydda ah taagnayd intee bay u dhimaysaa hadii ay mar kale ogolaadaan raggii ay diideen, halka ay dadka qaarna taa kaga jawaabayeen marka la eego waxyaalo badan oo looga soo joogay wakiilada wax waliba waa ka suurtagal dhinacooda, laakiin rag badan oo mudanayaal ah ayaa ku hadaaqayey “Hadii uu Madaxweyne Rayaale ragga aanu diidnay naga soo celiyo isaga laftiisa ayaanu is qabsanaynaa”.

Sidaa awgeed Madaxweyne Rayaale oo la filayey in waxyaalaha uu mudanayaasha golaha wakiilada ka hadli doono ay ka mid tahay in raggii wasiirada ahaa ee ay diideen uu ka codsado inay u sii daayaan, laaiin sida ay tibaaxeen xogaha kulankaa ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale ma soo qaadin arintaa, taas oo laga yaabo inuu Madaxweyne Rayaale ka baqay inay mudanayaasha isku dhacaan hadii uu arintaa u soo qadimo, sidaa darteedna uu ka muquurtay soo hadal-qaadkeeda. Hase yeeshee sida ay tibaaxeen warar aanu kulankaa ka soo xiganay arimaha kale ee ay labada dhinac ka wada hadleen waxa ka mid ah xaaladda gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag bari, taas oo ay labada dhinac isla gorfeeyeen sida laga yeelayo iyo sida asal ahaanba loo waajahayo wax ka qabashada xaaladda cakiran ee bariga Somaliland, iyadoo ay qaar ka tirsan mudanayaasha fadhiga ka qayb galay aad uga hadleen xaalka murugsan ee bariga Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto. Laakiin sida ay wararku sheegeen Madaxweyne oo Rayaale oo isagu casuumadda fidiyey waxa uu ugu horayn ka waramay duruufaha wadanka ka jira, isla markaana waxa uu mudanayaasha golaha wakiilada ka dalbaday inay la shaqeeyaan xukuumad ahaan, isaga oo tilmaamay inay golayaasha qaranku is kaashi iyo wada jir ku waajahaan xaaladda wadanka iyo wax ka qabashadeeda.

Sidoo kale waxa la sheegay inay mudanayaasha qaar halkaa ka hadlay u soo jeediyeen Madaxweyne Rayaale inuu xukuumaddiisa wixii wasiirada ka hooseeyo gacan geliyo oo uu dhismaheeda soo dhamaystiro, sida agaasimayaasha guud iyo ragga diblomaasiyiinta ah ee loo magacaabayo xafiisyada debedda iyo masuuliyiinta sar sare ee dawladda ee aan weli isbedelka iyo isku shaandhayntu saamayn.

Sida ay wararku sheegeen Madaxweyne Rayaale jawaabo ayuu ka bixiyey arimaha laga wada hadlay, tusaale ahaan waxay wararku tibaaxeen inuu madashii ka sheegay inuu arinta bariga Somaliland dhowaan u magacaabayo guddi ka kooban saddexda gole, kuwaas oo ka hawl-geli doona sida wax looga qabanayo.

Qoddobada kale ee kulankaa la iskula soo qaaday waxa ka mid ah mawduuca doorashada baarlamaanka, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale carrabka ku dhuftay mawqifkiisa arintaa ku waajahan, iyadoo ay doodda hadda taagani tahay in la soo dedejiyo waqtiga la qabanayo doorashada baarlamaanka, waxayna doodda caynkaas ahi badka timi, iyadoo ay mudanayaasha baarlamaanka muddo saddex sannadood iyo afar sannadood ah korodhsadee, isla markaana ay dood dhexdood ah oo ay yeesheen ka dib soo saareen qaraar ay ku sheegeen inay mudddo kordhintoodu sharci iyo lama taabtaan tahay, laakiin sidoo kale waxa la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale kulankii shalay isna ku sheegay inuu arintaa ka taaga yahay waxa uu sharcigu ka qabo, taas oo loo qaadan karo inuu isna ayidsan yahay qaraarkii golaha wakiilada oo aanu diyaar u ahayn inuu hadda soo dedejiyo waqtiga doorashada baarlamaanka ee uu ugu yaraan doonayo inay mudanayaashani dhamaystaan waqtigii ay kordhisteen, iyadoo la odhan karo mawqifka caynkaas ah ee uu tusay waxay ahayd carrab laad-laadin uu iskaga dejinayo maadaama ay maalmihii dhowayd tuseen dareen cadho leh oo u muuqda inay siyaasadihiisa hogaamineed diidan yihiin.

Waxa kale oo ay wararku tibaaxeen inuu Madaxweyne Rayaale mudanayaasha golaha wakiilada ku wargeliyey inuu damacsan yahay inuu dhowaan safar ugu kicitimo dalka Itoobiya, laakiin wararku ma tibaaxin wakhtiga safarkaasi noqon doono.

Sida ay wararku sheegeen ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo ilaa 12 wasiir ayaa Madaxweyne Rayaale hareera fadhiyay, kuwaas oo qayb ka ahaa wada-hadallada dhexmaray Madaxweyne Rayaale iyo Golaha Wakiillada.

Top


Boorama: Mawqifka Mas’uuliyiinta Iyo Rabshadaha Faraha Lagaga Gubtay Ee Dhallinyarada

Boorama (Haatuf) – Kulan ay shalay yeesheen Madaxda kala duwan ee maamulka Boorama, ayaa waxay ku lafa-gureen sidii wax looga qaban lahaa kooxo dhallinyaro ah oo ay had iyo goor iska horimaad rabshado ahi ku dhexmaraan gudaha magaalada Boorama.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, waxa kulankan ka qayb-galay Madaxda Gobolka, ta degmada iyo Isu-duwayaasha laamaha dawladda ee Gobolka, waxayna Madaxdaasi tilmaamo ka bixiyeen welwelka ay arrinta dhallinyaradaasi ku hayso xasiloonida iyo nabadgelyada magaalada, iyadoo uu kulankaasi socday muddo saddex saacadood gaadhaysa.

Ku Simaha Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamed Xasan oo kulankaa ka hadlay ayaa yidhi: “Waa in aynu wax ka qabano dhallinyaradan isku dilaysa magaalada Boorama oo abuuri karta nabadgelyo-darro, waxaynuna maanta gaadhaynaa go’aamo arrintan joojin kara.”

Maayarka Boorama, C/raxmaan Sh. Cumar, ayaa isna sharax ka bixiyay waxa ay dhallinyaradaasi yihiin, cidda ka dambaysa iyo sida looga hor tegayo, waxaanu yidhi: “Horta dhallinyaradan, waxaanu ogaanay in ay ku jiraan qaar dukaamo leh, hubna iibsada, waalidkoodana aanay isku xidhnayn, waxaanan tuhunsanahay in ay dad waaweyni ka dambeeyaan. Waxa kale oo aan aaminsanahay in ay yihiin dad abaabulan oo saddex sannadood ka hor kooxo loo qaybiyay, waxaanse la yaabaa haddii ay is dilaan cidi kama dhimato, oo lama arko dadka ay iska dhaawacaan. Tusaale ahaan; waxaan oggaa mid yar oo aan adeer u ahay inuu ka bixi kari waayay, haddii ay sidan ku sii socdaana beri ka maalin wayba qabsanayaan magaalada.”

Xeer-ilaaliyaha Gobolka Awdal, Axmed Cismaan Mire oo isna halkaa ka hadlay dambiyada gobolka ka dhacay, waxaanu yidhi: “Waxa gobolka ka dhacay 219 (laba boqol, sagaal iyo toban) dembi oo kiriminaal ah, kuwaas oo 196 (laba boqol, lix iyo sagaashan) la xukumay, halka ay hadheen 23 (saddex iyo labaatan) kiis, waxayse wakhtigan dhibaato ka taagan tahay Xabsiga Boorama oo inta uu qaadi karaa aanay ka badnayn 70 (toddobaatan) qof, taas darteedna maanta la la’yahay meel lagu hayo dambiilayaashii.”

Taliyaha Qaybta Bilayska ee Gobolka Awdal, Axmed Maxamuud Ubaxle oo isna shirkan ka hadlay, ayaa yidhi: “Waxa Boorama jooga ciidan badan, laakiin aan waxba ka qaban karin hawlaha culus ee Boorama yaal, waayo, ciidanku wuxuu u baahan yahay qalab, dhaqaale iyo taageero dadweyne. Dhib kasta oo dhacdana, waxa la leeyahay Bilaysku wax buu ka qaban la’yahay.”

Taliyaha Xabsiga Boorama, Cumar Siciid, ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna yidhi: “Xabsigu wuu buux dhaafay, mana hayno meel aanu geyno dadka la soo qabto, taas waxaan idinka codsanayaa in aad wax nagala qabataan.”

Ugu dambeyn geba-gebadii shirkan, waxa la go’aamiyay in ay Madaxda Maamulka Dawladdu ee laamaha kala duwani bixiyaan min 90,000 (Sagaashan kun) oo Sh. Somaliland ah, halka uu Maayarka Boorama-na ballanqaaday inuu bixin doono 1,800,000 (Hal miyan iyo sideed boqol oo kun) oo Sh.Sl ah, lacagtaana waxa la go’aamiyay in lagu dhiso hal qol oo lagu kordhiyo Xabsiga, iyadoo arrimaha kale ee la isla qaatayna ay ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa dhallinyarada iska horimaadyada rabshada xambaarsan magaalada Boorama ka samaynayay dhawrkii sannadood ee u dambeeyay.

Top


Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Wasiirka Daakhiliga Iyo Saraakiisha Bilayska ku Eedeeyay Inay Horjoogsadeen Hawshoodii, “Oday Cabdi Waraabe Wuxuu Jeebka ku qaatay Shaambadii Xafiiska.. Waxaan hayaa Warqad uu Wasiirku ku sheeganayo Inuu Dhulka Badh Xukumo”

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha G/deegaanka Hargeysa ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta sare ee ciidanka Booliska iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha inay caqabad ku noqdeen hawlihii D/Hoose. Sidaana waxay ku sheegeen shir aan caadi ahayn oo ay mudanayaasha golaha deegaanku shalay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, kulankaas oo u guddoominayay Maayorka caasimadda Hargeysa, Eng. Xuseen Maxamed Jiciir, waxay mudanayaashii ka hadlay kusoo qaadeen dhibaatooyinka iyo mushkiladaha hortaagan hawlihii ay ka fulin lahaayeen magaalada iyo amar diido kaga timi isku beddel dhowaan lagu sameeyay guddoomiyeyaasha Waaxaha iyo ku xigeenadooda, taasoo keentay in guddoomiyaha waaxda Gacan-libaax uu ku gacan saydho amarkaa, isla markaana ay mas’uuliyiinta ciidanka Boolisku waxba ka qaban waayeen.

Af-hayeenka golaha deegaanka, Xil-dhibaan Jaamac Shabeel oo kulankaa ka hadlay ayaa ka waramay amar diida iyo sida ay wax uga qaban waayeen mas’uuliyiinta boolisku markii ay u dacwoodeen isagoo yidhi; “Guddiga fulinta waxa lagu sameeyay amar-diido, afartii waaxood ee kale way adeeceen amarkaa, laakiin waxa amarkaa fulin waayay guddoomiyaha waaxda Maxamuud Haybe, Oday Cabdi Waraabe, oo shaambadii xafiiska jeebka ku qaatay, taasina waxay keentay inay hawshii waaxdu toddoba cisho istaagto.”

Af-hayeenku waxa uu sheegay in markii ay waxaasi dhaceen ay xubno ka tirsan golaha deegaanku tageen waaxdaa, isla markaana iyagoo maraya wadada sharciga ah xafiiskii ku wareejiyeen mas’uulkaa cusub, kadib markii la waayay ninkii amar diidada sameeyay, laakiin uu maalin labaadii ugu yimid xafiiska isagoo yidhi; “Ii soo dhaaf anaa iska leh halkane.”

Af-hayeenku waxa uu sheegay in maayorku bixiyay amar qoraal ah oo lagu qabanayo ninkaa ku xad-gudbay xafiiska ee shaambadii jeebka ku qaatay, laakiin nasiib-darro aanay Boolisku weli fulin amarkaa, mana aha in fal-dembiyeedka uu galay lagu saamaxo shaqaalena nooma sii ahaanayo, waxaanan golaha u soo jeedinayaa in la sameeyo guddi baadhiseed oo wixii dhacay soo baadha, ayuu af-hayeenku yidhi.

Xil-dhibaan Jaamac waxa uu sheegay inuu isagu xaqiiqiyan soo ogaaday inaanay boolisku fulinayn awaamirta uga timaada golaha deegaanka iyo D/Hoose, isagoo yidhi; “Aniga iyo Saddex xildhibaan oo kale ayaa u tagnay taliyaha qaybta booliska, Maxamed Faarax, waxaananu u geynay warqadii Maayorku qoray si loo soo qabto ninkaa dembiilaha ah, laakiin ilaa hadda lama qaban, taasina waxay cadaynaysaa xogaha aanu hayno ee sheegaya in taliye xigeenka boolisku ugu khudbadeeyay ciidanka booliska isla markaana ku amray inaanay fulinin waxaanay ogayn oo la xidhiidha hawsha D/Hoosa marka laga reebo qof cashuur diiday iyo waxyaabo yar-yar oo kale.”

Mayor ku xigeenka, C/raxmaan Yuusuf Axmed ayaa isaguna ka hadlay kulankaa oo ku dhaleeceyay mas’uuliyiinta sare ee booliska iyo sida aanay ula shaqayn isagoo yidhi; “Marka aanu fulin samaynayno dhibaatooyinka dadka nagaga yimaada waxa noo dheer ta booliska nagaga timaada, tusaale ahaan dadka aanu xidhno ee shaqadayada ka horyimaada taliyaha qaybta booliska aya kaga daba-taga saldhigyada oo soo daaya, markaas arrimahaasi waxay caqab ku noqdeen hawshii iyo shaqadii anu qaban lahayn oo uu taliyaha qaybtu hortaagan yahay, waxna fulin kari mayno haddii aanay boolisku nala shaqayn.”

Xildhibaan Yuusuf C/laahi Guuleed oo isaguna kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inay meesha ka muuqato dawladdii dhexe oo fashilinaysa ama kahor imanaysa wixii ay maamuli lahaayeen golaha deegaanku oo ay is hortaagtay wixii loo soo doortay, wuxuuna sheegay inay taasi muujinayso sida ay doonayso inay dawladdu u beddesho waxay dadku doonayaan, isagoo yidhi; “Ragga Dawladda dhexe meelahaa u jooga ee madaxda ah waxaan filayaa musuqii ay madaxda ka ahaayeen oo joogsaday ayay ka dhex dayayaan halkan, haday Dawladda Dhexe is leedahay sharciyadii qaybaha kale ku fadhiyeen horjoogso waa ayaan-darro.”
Xildhibaan Yuusuf waxa kaloo uu sheegay inay hayaan warqad uu qoray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaciil Aadan Cismaan, warqadaas oo uu wasiirku ku sheeganayo inuu qayb ka mid ah dhulka magaalada Hargeysa isagu uu xukumo, wuxuu xildhibaanku yidhi; “Warqadan Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu ku sheegayaa inuu magaalada badh isagu xukumo badhna golaha deegaanku xukumo, waana nasiib-darro in wasiirku weli isu haysto Joomitirkii dhulka.”

Waxa kaloo isaguna halkaa hadlay xildhibaan Yuusuf Cawad Kirix oo sheegay inay hayaan waraaqo ay soo qoreen guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud iyo guddoomiyaha Baarlamaanku, kuwaas oo maalmo yar kadib markii golahani meesha yimid la keenay, isla markaana ay gole degaan ahaan ku shaqeeyaan sharciyadii Baarlamaanku soo saaray ee uu Madaxweynuhu saxeexay, laakiin hay’adda garsoorka ee soo saartay go’aamada ay doonayaan in la fuliyo ay Dawladda dhexe ku tilmaantay inay tahay sharci-darro, wuxuuna isagoo mudanayaasha la hadlaya yidhi; “Marka ay dawladdii dhexe ku tilmaantay wixii aynu soo saarnay inay sharci-darro tahay inaynu filno in la inoo fuliyo maaha. Sidaa awgeed, waxaan soo jeedinayaa inay mudanayaashu raadiyaan sidii xal iyo is afgarad loo heli lahaa, iyadoo lala kulmayo Madaxweynaha, Wasiirka arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiinta ciidanka booliska, Baarlamaankana waxaynu odhan karnaa waar waxan aad noo dhiibteen ma sharcibaa mise maaha. Madaxweynahana waa inaynu weydiino wixii naloo doortay socon waayee, ma waxaad la qabtaa mise waa wax u baahan inaynu ka wadahadalno, laakiin maaha inay cadaawadi dhexdeena gasho ee waa inaynu Dawladda ku xidhano.”

Waxa isaguna halkaa ka hadlay xildhibaan Ismaciil Caymis oo u mahadceliyay taliyaha iyo saldhiga waaxda Kood-buur, kuwaasoo uu sheegay inay si fiican ula shaqeeyeen laakiin waxa uu ku eedeeyay taliyaha qaybta booliska Maxamed Faarax inuu faragelin ku samaynayo hawlaha ay ka wadaan degmada Kood-buur isagoo yidhi: “Waxa dhacda in meel dhisme ka socday oo la xidhay uu amar fasaxa keeno taliyuhu, taasuna ay keento is-maandhaaf mana soconayso hawshii D/Hoose haddii aanu taliyaha qaybtu arrintaa wax ka bedelin, waana inay dadweynuhu ogaadaan waxa burburinaya nabadgelyada inay yihiin amarada is burinaya ee ka imanaya cidii nabadgelyada mas’uulka ka ahayd.”

Xildhibaan Keyse oo ka mid ahaa mudanayaasha halkaa ka hadlay ayaa ka hadlay shaqada golaha deegaanka iyo sida ay u shaqeeyaan golayaasha degaanka ee caalamku, isagoo xusay in 70% shaqada Dawladda ay qabtaan golayaasha deegaanku, Dawladda dhexena qabato 30% oo ah haykalkii Dawladda, laakiin ay mushkiladdani tahay iyadoo aanu gole degaan ilaa kacaankii Siyaad Barre taasina ay keentay in dawladdii dhexe isku fuuqsatay hawshii oo dhan, waana meesha aad wax ka garan weydeen, sharciyana waxay ahayd in boolisku ka amar qaato maayorka caasimada oo uu hoos yimaado. “Waar arinta sharci dejin ayaynu leenahaye Baarlamaanku ha ina soo dhexgalo oo shuruucda waddanka hala sugo, qofkii waajibkaas garan waayana sharci qabta hala soo dedejiyo oo Baarlamaanku hasoo saaro, waana in la dhammaystiro sharcigii caasimadda oo wax badan kala qeexaya.”

Waxa kaloo iyaguna halkaa ka hadlay xildhibaano kale oo ay ka mid ahaayeen Xasan Xaydh iyo Cali Xasan Ibraahim, kuwaasoo oo ka waramay mushkiladaha hortaagan golaha deegaanka.
Gebogebadii kulankaa oo uu guddoominayay maayorku waxay goluhu saareen 7 xubnood oo guddi ah oo xukuumadda kala hadla waxyaabaha ay ka cabanayaan isla markaana xal loogu heli lahaa mushkiladda ka dhex aloosan golaha deegaanka iyo xukuumadda.

Top


Dhimasho Iyo Dhaawac Xiisad Ka Abuuray Deegaanka Tog-Wajaale

Tog-Wajaale (Haatuf) – Axmed Cabdi Gaas oo ah Ganacsade Qaadka ku iibiya suuqyada Tog-Wajaale, ayaa dorraad, halka uu isla dorraad dhaawac culusi soo gaadhay Maxamed Axmed Xasan (Caynaan) oo ka tirsan Ciidanka Bilayska ee Tog-Wajaale, kadib markii iska horimaad dhexmaray Marxuumka geeriyooday iyo ciidanka Bilayska, taas oo sida ay wararku sheegeen ay koox Bilays ahi u yimaadeen Marxuumka, iyaga oo doonayay in ay geeyaan Saldhigga Bilayska oo ay dacwadi u tiiley, laakiin Marxuumkaasi ma ogolaan inuu raaco ciidanka u yimi oo ay tiradoodu gaadhaysay ilaa toddoba askari, waxaana halkaa ka bilaabmay muran isu beddelay gacan-ka-hadal, taas oo uu Marxuumku Tooray wadnaha dushiisa kaga dhuftay mid ka mid ah askarta oo ah Maxamed Axmed Xasan.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley, Maxamed Xasan oo warbixin nooga soo diray xiisad dhacdadaa ka dhalatay oo hadda ka oogan deegaanka Tog-Wajaale, mid ka mid ah askartii ayaa rasaas ku furay Marxuumka geeriyooday, taas oo ah sababta uu u dhintay.

Sida la sheegay Marxuumka geeriyooday, waxa uu hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Bilayska Gabiley, laakiin waxa laga ruqseeyay saddex bilood ka hor. Hase yeeshee, iska horimaadkan dhexmaray Bilayska iyo Marxuumka geeriyooday ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, waxa uu la xidhiidhaa muran dhul, taas oo la sheegay dhul dan guud ah oo ay deggenaayeen Marxuumka geeriyooday iyo qoyskiisu oo ay Maxkamaddi u xukuntay niman askar ah, taasina ay keentay dhacdadan. Waxayna sababta ay Bilaysku meesha u yimaadeen ahayd in ay fuliyaan xukunkii Maxkamadda oo ay meesha ka raraan qoyska Marxuumka.

Marxuumkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha ugu tirada badan deegaanka Tog-Wajaale, waxa geeridiisa ka dhashay kacdoon iyo xiisad cadho leh, taas oo ay maalintii geeridu dhacday isu soo baxeen dad tiro badan oo isugu jiray dhallinyaro, haween iyo carruur, kuwaas oo iyagoo gadoodsan dhagax-tuur ku bilaabay Saldhigga Bilayska Tog-Wajaale oo la dhigay Meydkii Marxuumka geeriyooday.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Qaraabada Marxuumka ayaa soo gurtay Qoryo badan oo kala nooc-nooc ah, kadibna isku gedaamay Rugta Bilayska, isla markaana qiiro-qiiro geliyay Bilayskii halkaa ku sugnaa, waxaase markiiba soo gaadhay Cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo ugu horeyn sugay amniga Rugta Bilayska iyo amniga magaaladaba.

Askarigii dhaawaca ahaa ee tooraydu ku dhacday waxa loo qaaday Cusbitaalka Gabiley.

Taliyaha Guutada Ciidanka Qaranka ee halkaa la geeyay, Axmed Aakhiro, ayaa ii Weriyaha Haatuf u sheegay in ay hadda amniga magaalada xasiliyeen, isla markaana ay xidheen lix askari oo ah nimankii fuliyay falka dilka ah.

Maamulka Gabiley oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka, ayaa iyaguna arrintan ka hawl-galay oo hadda ku mashquulsan wax ka qabashadeeda, laakiin odayaasha Beesha uu ka soo jeedo Marxuumku, ayaa Madaxda Maamulka Gabiley u qadimay Mawqifkooda ku waajahan amuurtan,”kuwaas oo sheegay in go’aankoodu yahay “in Marxuumka geeriyooday iyio askarigii dilay la isla aaso, waxayna sheegeen in aanay ku qancayn wax aan taa ahayn.

Qaar ka mid ah Qaraabada uu ka soo jeedo Marxuumka geeriyooday ayaa iyagoo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca gaaf-wareegaya daafaha magaalada, waxayna qaar raggaas ka mid ahi sheegeen in ay ilaalinayaan ninka askariga ah ee dilka geystay, si aan meel kale loogu qaadin.

“Keliya waxaanu ku qancaynaa in labada nin lays raaciyo,” ayay yidhaahdeen raggaasi.

Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Hargeysa iyo Taliyaha Qaybta Bilayska ee Gobolka Hargeysa, ayaa soo gaadhay magaalada Tog-Wajaale, waxayna markiiba wada-hadalo la yeesheen odayaasha iyo Qoyskii uu ka geeriyooday Marxuumku, waxayna Madaxda Gobolka Hargeysa farta ka saareen Qoraal ay ku dalbanayaan in la isu dilo labada nin, laakiin Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Hargeysa, Maxamed Faarax oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yidhi: “Maanta ha odhanina ninka ninka ha naloo raacsho, waayo, dawlad baynu nahay, sharci baynu leenahay oo qofkii qof dilla, waanu qabannaa, kadibna Maxkamad baa la hor geeyaa oo xukunta.”

Waxay arrintu socotaba, waxay Madaxda Dawladda iyo Odayaasha Marxuumku isla garteen in la aaso Meydka, kadibna laga wada-hadlo arrimaha kale, waxaana ugu dambeyntii Meydka la aasay khamiistii shalay, iyadoo ay hadda magaalada Tog-Wajaale ku sugan yihiin Ciidamo Bilays iyo Milateri ah oo hubaysan, kuwaas oo ay ujeedadoodu tahay in ay ilaaliyaan Amniga, si aanay xiisaddu u sii fidin.

Top


Ururka Qareenada Somaliland Oo Afar Xubnood Ururka Ka Saaray

Hargeysa (Haatuf) – Ururka qareenada Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan SAL (Somaliland Association Of Lawyers) ayaa xubinimadii ururka ka qaaday afar xubnood oo hore ururka uga tirsanaan jiray, sidaana waxay ku sheegeen qoraal uu shalay soo saaray gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland, Muuse Ducaale Diiriye (Shiine).

Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in afarta xubnood ee ururka laga saaray ay ku kaceen falal ka dhan ah xeerarka ururka, taas darteedna laga bilaabo 29-kii Julay 2003 aanay xubno ka ahayn ururka, iyadoo uu gudoomiyaha qareenadu qoraalkiisa ku socod siiyey afarta xubnood ee ururka laga saaray, isla markaana ogaysiiyey gudoomiyaha maxkamadda sare iyo wasiirka cadaaladda, waxayna kala yihiin afartaa xubnood: 1- Maxamed Siciid Xirsi 2- Fawsi Sh. Yoonis 3- C/raxmaan Ibraahin Caalin iyo 4- Yuusuf Ismaaciil Cali.

Qoraalka uu soo saaray gudoomiyaha qareenada Somaliland ee ka hadlaya erigaa nimankaasina waxa uu u qornaa sidan:

“Ujeeddo: Ka saarin xubinimo sida waafaqsan xeerka: Ururku qareenada Somaliland (SAL) wuxuu idinku war-gelinayaa laga bilaabo 29/7/2003, in la idinkala noqday xubinimadii ku meelgaadhka ahayd ee ururka, sababahan awgeed:

Kama aydaan mid ahayn ururka xubno joogto ah, maadaama ruqsadda aad haysataan ee qareenimo ay ilaa haatan tahay mid ku meelgaadh ah (Temporary Practice), sida ku cad warqadda Sum-WC/WG/-16/997/03 ee 16/02/2003, taas darteedna aydaan la xuquuq ahayn urur ahaan xubnaha haysta ruqsadda joogtada ah (Permanent Practice Licence).

Waxaad samayseen falal ku lid ah xeerka ururka, distoorka iyo shuruucda dalka iyo midnimada iyo jiritaanka Somaliland, sida:
Waxaad wasaaradda cadaaladda u gudbiseen warqadda-Ref-UQS/35/003, ee 24/07/2003, taas oo aad si wada jir ah u wada saxeexdeen, dad aad jeebkiina ka keensateen oo aad ku dhex-darteen dhawr qareen oo aad ku tilmaanteen qareenada Somaliland oo uu ururku doonayo in la tababaro si aad u fulisaan dano dad ajnabi ah.

Waxaad samayseen talaabooyin aad ku burburinaysaa ururka, uguna danaynaysaan dad aan ahayn Somalilander’s, isla markaana dalka laga masaafuriyey, haatana si musuqmaasuq ah ku jooga, ugana shaqaysta dalka, iyadoo ay muwaadiniintii xaqa u lahaa joogaan.

Waxaad furteen dacwad dastuuri ah oo aad ku doodaysaan in la tirtiro sharciga jinsiyadda Somaliland, idinka oo ugu danaynaya dad aan muwaadiniin ahayn, isla markaana dembiyo ka galay dalka, horena looga masaafuriyey, haatana si aan sharci ahayn ku jooga, kuna qaata xuquuq ay leeyihiin garsoorka iyo qareenada Somaliland.

Waxaad ururka ka garab furteen hayad aad u bixiseen “East African Human Right” si aad u fulisaan dano ururka ka dhan ah.

Waxaad iska hor keenteen ururka iyo wasaaradda, idinka oo adeegsanaya xubno idinka mid ah oo wasaaradda ula shaqeeya qaab aan sharci ahayn.
Hadaba gefafkaas aan dulqaadka lahayn dartood wuxuu ururku go’aansaday in la idinka joojiyo xuquuqdii ku meelgaadhka ahayd ee aad xubnaha kaga ahaydeen ururka qareenada Somaliland (SAL), wuxuuuna ururku idiinka digayaa laga bilaabo 29/07/2003.inaad magaca ururka u isticmaashaan si toos ah iyo si dad-banba”.

Top


Dunida Iyo Toddobaadka Naas-Nuujinta

Hargeysa (Haatuf) – Inta u dhaxaysa 1-7 ee bisha Ogosta, 2003 waxay dunidu ugu yeedhay toddobaadka naas-nuujinta ilmaha, iyadoo ay dunidu barnaamijkaa u bixiyeen “Caalamiyeynta naas-nuujinta ee dunida”.. Sidaa awgeed fariimo badan oo ammuurtaa la xidhiidha ayey ururada iyo hayadaha samafalka caalamiga ah ee dunidu ku faafinayaan daafaha aduunka.

“Naas-nuujintu waxay saamayn ku leedahay nabadda iyo cadaaladda”ayaa ka mid ah fariimaha arinta la xidhiidhaa, sidoo kale waxa ka mid ah halku-dhegyada mawduucan ku saabsan “Ilaalinta, kobcinta iyo taageerada naas-nuujinta iyo sidookale dhamaystirka quudinta cunugyada iyo caruurta yar yar waa ujeedooyinka qorshaha dhaqdhaqaaqa quudinta caalamiga ah”.

Barnaamijkani waxa uu diirrada saarayaa in ilmaha la jaqsiiyo naaska hooyadii, halkaas oo uu ka heli karo dhamaan nafaqooyinku uu u baahan yahay, islamarkaana uu ka helayaa koriimada wanaagsan ee uu u baahan yahay, laakiin faa’iidooyinka iyo waxtarka ay caanaha naaska hooyadu u leeyihiin ilmaha yar waxa sharax ka bixinaya maqaalkan hoos ku qoran oo ah fariin ka waramaysa muhimadda ay caanaha naaska hooyadu u leeyihiin ilmaha yar.

“Caanaha naaska hooyada waxa ku jira dhamaan nafaqada uu ilmaha yari u baahan yahay , taas oo si haboon isugu dheelitiran. Laakiin caanayowga kale, sida kuwa ku jira daasadaha ama xoolaheenna laga liso kuma jiraan qiyaaso haboon oo ah nafaqada uu u baahan yahay ilmaha yari.

Culimada saynisku waxay weli baadhayaan faraqa nafaqo ahaan u dhexeeya caanaha naaska hooyada iyo kuwa xoolaha, sidoo kale shirkadaha ganacsigu waxay weli kolba isku deyayaan inay bedelaan nooca caanaha ee ay soo saaraan si ay u helaan caano ku nafaqo dhow kuwa ilaahay ugu talo galay ilmaha yar ee ku jira naaska hooyada.

“Waxa lagama maarmaan ah in marka uu ilmuhu dhasho nusasaacaha u horeeya gudihiisa lagu duwo naaska oo afka loo geliyo, wax kalena aan looga horaysiin si uu markiiba ula qabsado nuugista,isla markaana uu naaska caano uga keeno”.

Caanaha naaska hooyadu waxay keenaan inay ilmaha ka timaaddo saxaro jilicsan oo si sahlan u soo dhaafta ilmaha, halka ilmaha la siiyo caanayowga kale ay ka timaaddo saxaro weyn oo uu soo dhaafitaankeedu ilmaha dhibo.

Caanah naaska hooyada waxa ku badan waxyaabo muhim u ah koriinka maskaxda ubadka, kuwaas oo aan ku badnayn caanayowga kale.
Tijaabooyin dhowaan la sameeyey ayaa cadeeyey in ilmaha naaska si fiican u nuugaa uu ka garaad bato, ka kale ee aan sidiisa u nuugin naaska.

Caanaha naaska hooyada waxa ku jira fiitamiinada iyo macdanaha jidhka ilmuhu u baahan yahay, isla markaana ilmaha naaska nuugaa uma baahna in la siiyo fiitamiino iyo macdanno dheeraad ah lixda bilood ee ee ugu horeeya, waayo caanaha naaska hooyada waxa ku jira qiyaaso sax ah oo ah macdanihii uu ilmuhu u baahnaa, sida Kaalshiyam iyo fosfayt, halka caanaha xooluhu ka macaadiin badan yihiin caanaha naaska hooyada, taas oo ilmaha u keeni karto bukaan, masalan macdanta loo yaqaan Ayroonta ee ku jirta caanaha naaska hooyada jidhku si dhib yar ayuu u nuugaa.

Caanaha naaska hooyada waxa ku jira biyo ku fillan ilmaha, taas darteed ilmuhu uma baahna biyo dheeraad ah, laakiin hadii looga baqo inuu harraado waxa haboon in loo kordhiyo nuugista naaska ee aan wax kale la siin. Balse caruurta la siiyo caanaha daasaduhu waxay u baahan yihiin in la siiyo biyo si ay kelyahoodu u awoodaan inay jidhka ka saaraan macdanaha iyo cusbooyinka saayidka ah (Dheeraadka ah) ee ku jira.

Caanaha naaska hooyada waxa ku jira waxyaabo nool oo ilmaha ka difaaca cudurada, sida unugyada cad-cad ee dhiigga oo dila jeermiska iyo jidh-difaace gaar u daboola mindhicirka, kana ilaaliya jeermisku inuu galo dhiigga.

Masalan marka hooyadu qaado xanuun cusub caanaheeda waxa soo raacaya jidh-difaacyo ka hortegaya xanuunka cusub. Sidoo kale caanaha naaska hooyada waxa ku jira waxyaabo ka ilaaliya in jeermiska keena calool-xanuunka ama shubanku uu ku koro caloosha , waana waxyaabaha urta gaarka ah u keena ilmaha nuuga naaska hooyada oo keliya.

Caanaha naaska hooyadu ma xumaadaan, waxaana la cadeeyey in caanaha hooyada la hayn karo muddo sideed (8) saacadood ah , iyadoo aan lagu ridin firiij (Qaboojiye), taas oo aanay caanaha naasku xumaanayn mudadaa. Laakiin caanayowga kale kuma jiraan walxaha difaacu, taas darteedna ilmaha kama ilaalin karaan xanuunada, markaa ilmaha la siiyo caanayowga kale ee aan ahayn kuwa naaska hooyada waxa si sahlan ugu dhaca xanuunada, sida shubanka, oofwarreenka iyo dhego-xanuunka.

Caanaha naaska hooyada ayaa ilmaha ugu fillan koriinkiisa maskaxeed iyo ka jidheed ee lixda bilood ee ugu horaysa”.

Top


Iskuulka 17 May Iyo Xafladii Qallin-Jebinta Ardayda Xisaabta

Hargeysa (Haatuf) – 179 (Boqol iyo sagaal iyo toddobaatan) Arday oo bartay Maadadda Xisaabta ayaa shalay Shahaadooyin la gudoonsiiyay, kadib markii ay ka qallin-jebiyeen Dugsiga 17-ka May oo ka mid ah Dugsiyada Gaarka ah ee magaalada Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay arday qallin-jebisay, ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana halkaa hadalo ka jeediyay Maamulka iyo Macallimiinta dugsigaa, iyo Madax ka tirsan dawladda, iyadoo ay arday dugsiga wax ka barata oo ay tiradoodu gaadhayso 2500 oo arday si weyn u soo camireen xafladdaa, isla markaana ay soo bandhigeen Majaajilo xiiso badan oo ka hadlaysa Waxbarashada. Laakiin ugu horeyn Maamulaha Dugsiga, Xasan Cawaale Caynaan, ayaa halkaa ka jeediyay warbixin ku saabsan xaaladda waxbarasho ee dugsigaa. Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Cabdi Haybe Cilmi. Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Haweenayda Agaasimaha Guud ka ah Wasaarada Horumarinta Qoyska, Marwo Amran Cali Xirsi.

“Hablaha waxaan doonayaa in ay wax bartaan oo ay gartaan qiimaha ay waxbarashadu leedahay, taas darteen dedaalka waxbarasho waa in aad sii wadaan,” ayay tidhi Marwo Amran.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Waxbarashada C/laahi Ismaaciil Bidhaan oo tafaasiil ka bixiyay Siyaasadda Wasaarada Waxbarashada ee ku waajan dugsiyada gaarka ah.
Dugsiga 17-ka May, waxa la furay 17-kii May 1992-kii, wuxuuna qaabkiisa waxbarasho u qaybsan yahay laba qaybood oo kala ah; Qayb lagu barto Manhajka Caamka ah ee dugsiyada Hoose/Dhexe, taas oo Maamuluhu sheegay in marka ay dhammaystaan fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe ay ku wareejiyaan Wasaarada Waxbarashada; Qaybta labaadna waxay tahay, qayb lagu barto maadooyinka Xisaabaadka iyo Luqadaha, kuwaas oo marka ay dhammaystaan heerka waxbarasho ee uu dugsigaasi ugu talo-galay shahaadooyin qaata.

Top


Ururka SOYDA IYO Ololihiisa Daryeelka Carruurta

Hargeysa (Haatuf)Ururka SOYDA oo ah urur dhalinyaro oo ka dhisan Hargeysa ayaa bilaabay olole uu ugu jiro daryeelka iyo taakulaynta ubadka da’da yar ee dibad-jooga ah si loogu sameeyo daryeel iyo mustaqbalfiican.

Siminaar arintaasi ku saabsan ayuu ururka SOYDA maalintii shalay ku qabtay xarunta dugsiga tababarka macalimiinta ee Hargeysa kaasoo uu ururku isugu keenay ilaa 30 caruur ah oo ah kuwa dibad jooga ah ama suuqa ku dayacan si wax looga ogaado duruufta ay caruurtaasi ku nooshahay iyo dhibaatooyinka haysta.

Waxaana siminaarkaasi oo ay malgalisay hay’ada SCF ka hadlay Yuusuf Siciid Qaalib oo ah madaxa hore u marinta xuquuqda caruurta ee ururka SOYDA waxaanu sheegay inay ujeedadoodu tahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen duruufta ay ku noolyihiin caruurta dibad jooga ah oo isugu jira laba nooc oo kala ah kuwa aan ehelba lahayn ee darbiyada suuqyada seexda iyo kuwa ehelkoodu magaalada joogo ee laakiin ka xoogsada suuqa ama ku dayacan.

Taasoo uu ururku damacsanyahay in dadaal loogalo sidii caruurtaa eheladoodii loogu celin lahaa iyadoo ay qaarbadan oo ubadkaa ka mid ah ay yihiin qaxoonti dalka ka soo galay Itoobiya.

Waxaanu intaa ku daray Yuusuf in uu qorshahoodu yahay sidii ay siminaarkan ka dib u qaban lahaayeen kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galaan dhamaan dhinacyada ay khusayso arrintani oo ay ka midyihiin Waalidiinta, Xukuumada, iyo qaybaha bulshada si la isula eego wax ka qabashada dhibaatadan.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Axmed Ismaaciil cali oo ah agaasimaha waaxda daryeelka iyo xuquuqda caruurta ee wasaarada Cadaalada oo amaan u soo jeediyey ururka SOYDA ee isku hawlay daryeelka caruurta isagoo tilmaamay inay talaabadani leedahay ahmiyad gaar ah.

Ugudambayntiina waxa uu tilmaamay inay wasaarada Cadaladu xil weyn iska saarayso daryeelka caruurta oo uu sheegay inay ka mid tahay hawlaheeda.

Top


Cabdiqaasim Oo Ka Baxay Shirka Nairobi

Muqdisho (Haatuf) Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saarey in uu shirka Soomaalida uga socda kenya ka baxay.

Warsaxaafadeedku waxaa uu intaa ku daray in go'aankan la gaadhey, ka dib markii ay shir gaar ah isugu yimaadeen Hoteelka uu madaxwaynuhu deganaa ee Grand Regency ee magaalada Nairobi, xubno ka tisan baarlamaanka ku meel gaadhka ah iyo golaha wasiirada oo tiradoodu ay gaadheysay 87 xubnood.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedku uu intaa ku daray, in markii xubnaha labada gole ay dood dheer ka yeesheen shirka iyo halka uu marayo ayaa codbixin ay qaadeen ku gaadheen in ay shirka ka baxaan.

Waxayna sabab uga dhigeen sida ku xusan warsaxaafadeedkooda in uu shirku yahay mid ku kooban koofurta Soomaaliya, Gudiga farasamada IGADna uu diiday in shirku uu noqodo mid qarameed oo Soomaalida oo dhan laga qeyb galiyo.

Sidaas darteedna Dowladda ku meel gaadhka ahi ay go'aansatay in ayna ka qeyb qaadan, siina joogi karin, shir lagu kala goy'nayo dalka Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaasna lagu wiiqanyo, waa sida ay sheegeene, diinta, dhaqanka, midnimada iyo karaamada Soomaalida.
Cabdiqaasim oo la hadlay BBCda ayaa waxaa ku eedeeyey dowladda Etoobiya in ay waddo kala qeybinta Soomaaliya, shirkana ay ka leexisay ujeedadii loogu talo galay.

Waxaa kale oo uu sheegay Cabdiqaasim in la sameeyey dastuur laga soo minguuriyay Dastuurka Etoobiya iyo kan Kenya. Meelna la iska dhigay labadii qoraal ee ay Soomalidu soo diyaariyeen iyo midkii gudiga iswaafajinta ee aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Markaas ka dibna waxay gudiga farsamadu soo gudbiyeen, sida uu sheegay Cabdiqaasim, Dastuur ka soo horjeeda dhaqanka, diinta iyo qaranimada Soomaaliya. Sidaas darteedna ayna Dowladda Ku meel gaadhka ahi marnaba ka qeyb galeyn, ogolaaneyna shir lagu kala qeybinayo Soomaalida.

Arbacadii subaxnabadii ayaa madaxweyne Cabdiqaasim iyo wafdi la socoda ay ka ambobaxeen dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho. Waxaana ka mid ah dadka la socoday wafigiisa godoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka, Maxamed Cabdi Yusuf iyo masuuliyiin isugu jira golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka.

Xubnaha kale ee ka hadhey wafdigiisana waxaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan Muqdisho maalmaha soo socda. Sidoo kale hogaamiyeyaal iyo shaqsiyaad kale, oo ay isku aragti ka yihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya, ayaa iyagana la filayaa in ay u ambobaxaan Soomaaliya maalmaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo Cabdiqaasim iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda Ku meel gaadhka ah ay ka baxeeen shirka, haddana waxaa hadhay oo shirka ka qeyb galaya Ra'iisal Wasaaraha dowladda Ku meel gaadhka ah, Xassan Abshir Faarah iyo gudoomiyaha Baalamaanka, Cabdalla Deerow Isaaq iyo taageerayaal iyaga la socda oo ka kala tirsan labada gole.

Waxayna sheeganayaan qeybaha ka ku jira shirka in iyagu wakiil ka yihiin dowladda ku meel gaadhka ah, shirkana ay uga qeyb galayaan magaca dowladda ku meel gaadhka ah.

Hase yeeshee, madaxweynaha dowladda ku meel gaadhka ah, Cabdiqaasim Salaad Xassan waxaa uu sheegay in uu isagu kala noqday erganimadii ay wakiilka uga ahaayeen dowladda Ku meel gaadh ah shirka, xasan Abshir Faarax iyo Cabdalla Deerow Isaaq.

Waxaa uuna intaa ku daray Cabdiqaasim in uuna ka qaadin jagooyinkii ay u hayeen dowladda ku meel gaadhka ah. Laakiinse uu kala noqday umagacaabidda erganimo oo ay ku matalayeen dowladda Ku meel gaadhka ah shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya.

Top


Hogaamiyihii mucaaradkan Sierra Leone oo Geeriyooday

Freetown (W.wararka) Hogaamiyihii hore ee Falaagada waddanka Siierra Leone Foday Sankoh ayaa geeriyooday. Mr Sankoh oo toddobaatan jir ah ayaa geeriyooday ka dib markii uu in mudda ahba bukay.

Geerida Mr sankoh ayaa waxaa shaaca ka qaadday maxkamadda Qarammada Midoobay ee Dembiyada dagaalka ee Sierra Leone oo gacanta ku haysay Mr Sankoh.

Falaagada RUF ee Mr Sankoh ayaa ka qey qaadatay dagaalka 10-ka sanadood ka badan ka socday waddanka Sierra Leone oo la soo afjaray horaantii sanadkii hore ee 2002-da ka dib markii faragelin caalami ah lagu sameeyay.

Mr Sankoh ayaa gacanta lagu dhigay laba sanadood ka hor waxaana falaagadiisa si weyn loogu xusustaa adimaha oo ay jari jireen dadka ay gacanta ku dhigaan.

Top


Falastiiniyiinta Oo Ka Gadooday Gidaarka Ay Israa’iil Ka Dhisayso Daanta Galbeed

Qudus (W.wararka) Saraakiil Sare oo Falastiini ah ayaa walaac ka muujiyay hadalada ka soo yeedhay Raiisal Wasaaraha Israa'iil Ariel Sharon ka dib wadahadala uu ku yeeshay magaalada Washington siiba ku adkeysashadiisa ah in uu si wadayo deyrka uu ku wareejinayo, dhulalka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.

Israa'iil ayaa sheegaysa in deyrkaasi loo baahanyahay si loo joojiyo dadka iyagu weerarada ismiidaaminta ah qaada in ay ka soo talaabaan Daanta Galbeed.

Hoggaamiyaha Falastiniyiinta Yaasir Carafaat ayaa ku sheegay deyrkaasi inuu yahay darbiga cusub ee Berlin.

Wasiirka warfaafinta ee Falastiiniyiinta Nabiil Caamir ayaa sheegay in Mr Sharon uuna wax astaan ah oo wanaagsan ku muujinin wadahadalada uula yeeshay madaxweynaha Mareykanka George W Bush.

Ururka xagjira ee Xamaas oo waqtiyo hore oo badan sheegtay weeraro ismidaamin ah in uu geystay ayaa sheegay in hadalada Mr Sharon ay cawaaqib xumo ku yeelanayso xabad joojintii la kala saxeexday bishii June.

Afhayeen u hadlay falastiiniyiinta oo ku sugan Washington ayaa sheegay in hadalada Mr Sharon ayna wax wanaag ah ku biirineynin geedisocodka nabadda, liddina ku yihiin aragtida Mareykanka ee unkidda dowlad Falastiiniah.

Top


Hindise Ku Saabsan Dib-U-Habaynta Qaramada Midoobay

NewYork (W.wararka) Qarammada Midoobay, iyo Xoghayaheeda Guud ayaa bilaabay talaabo ay dib ugu eegayaan in xilalka kala duwan ee ay Qarammada Midoobay ay qabato ay wax saameyn ah ku yeelan karaan ama ay noqon karaan kuwa mustaqbal leh.

ka dib laba maalmood oo ay shir ku lahaayeen magaalada New York madaxda Hayadaha Caalamiga ah ee Gobolada ayaa Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay kofi Annan uu sheegay in welwel laga muujiyay hadala ku saabsan arintaasi oo la isdhaafsaday, Qaanuunka Qaramada Midoobay iyo kaalinta Golaha Ammaanka ee QM uu ka ciyaaro ansixinta isticmaalka quwad caalami ah.

waxaa uu sheegay Mr Annan in su'aalahani ay dhasheen, ka dib dhibaatooyinka dhawaan dhacay ee baaxadaha weyn leh.

"Dagaalka Ciraaq iyo weliba dagaalada ka socda Liberia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa qasab nooga dhigtay in aan isweydiino, in hayadaha, machadyada iyo xirfadaha aan caadeysanay ee haatan jira ay yihiin kuwa kaafin karaya oo lagu la tacaali karaya dhibaatooyinka ama in loo baahanyahay in si weyn wax looga beddelo", ayuu yiri Mr Annan.

Shakigan ka soo yeedhaya Qarammada Midoobay dhexdeeda ayaa ah waxa dhaliyay Mareykanka iyo xulufadiisa in ay weeraraan Ciraaq iyagoon wax taageera ah ka heysanin, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Mr Annan ayaa sheegay in waddamo badan oo xubno ka ah Qarammada Midoobay ay u soo dacwoodeen iyagoo ka sheeganaya in la faquuqay oo fikradahooda la iska dhaga tiray intii ay Golaha Ammaanka ka socotay dooddii ku saabsanayd Ciraaq ka hor inta aan dagaalka lagu qaadin.

Waxaa Mr Annan uu sheegay in ayna shaki kaga jirin in marka waddamada Xubanaha ka ah QM ay isugu imaadaan Shirweynaha bisha September dhici doona ay halkaasi ka soo bandhigi doonaan fikradahooda ku saabsan sida loo xalin karayo arimaha caalamiga ah.

Top


Laba Hablood Oo Uu Dhalay Sadaam Xuseen Oo Magan-Galay Dalka Urdun

Baqdaad (W.wararka) laba hablood oo uu dhalay madaxweynihii hore ee ciraaq Sadaam xuseen ayaa la sheegay inay magangalyo waydiisteen dalka urdun oo ay u baxsadeen iyagoo ka tegay dalka Imaraadka carabta oo ay hore u deganaayeen.

Waxaana sidaa sheegay warar ka soo baxaya dalkaasi iyadoo la sheegay in dawlada urdun ka aqbashay hablahaasi inay magan galyo siiso iyadoo ka eegaysa dhinaca bani’aadamnimada. Labadaa hablood oo la kala yidhaahdo; Raqad iyo Raana waxa la socday 9 caruura oo ay dhaleen, waxaanay taasi ku soo beegantay markii toddobaad kahor la dilay labadii wiil ee uu dhalay Sadaam Xuseen ee Cuday iyo Qusay, waxaanay Dawladda Maraykanku ninkii soo sheegay labadaa wiil abaal-gud u siisay 30 milyan oo dollar.

Dhinaca kale, Ciidamada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq ayaa sheegaya in mid ka mid ah askartooda lagu dilay weerar hubka fudud loo adeedsaday oo lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin goob siddeetan kilomitir u jirta magaalada Baghdad, laba kaloo ciidamadaasi ka mid ah ayaa iyagan la dhaawacay.

Weerarkaasi gaadmada ah ayaa ka dhacay bariga magaalada Baqubah, oo ah goob ciidamada Mareykanka si weyn loogu geystay weeraro kala duwan waqtiyadii la soo dhaafay, iyagoo lagu weeraray gantaallka
Sabtidii hore ayaa weerar garneyl la adeegsaday, ayaa waxaa lagu dilay saddex ciidamada Mareykanka ah oo ilaalinayay Cisbitaal caruurta lagu daaweeyo.

Dilkan ugu dambeyey ayaa ka dhigeya in ka badan konton tirada ciidamada Mareykanka ee lagu dilay waddanka Ciraaq tan iyo intii Madaxweynaha Mareykanka George W Bush uu ku dhawaaqay bishii May in colaaddii ay dhammaatay.

Top


Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Oo Tegay Laybeeriya

Monrovia (W.wararka) Kumanaan ka mid ah dadweynaha waddanka Liberia ayaa waddooyinka u soobaxay magaalada Monrovia, ka dib markii ay halkaasi gaadheen cutub ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee loo balanqaaday waddankaasi.

Cutubka ayaa waxaa uu ka koobanyahay toban xubnood, balse wararka ayaa sheegaya in ay saameyn weyn yeelatay kooxdani, waxaana ay xaaladdu u muuqatay sida iyadoo magaalada oo idil ay waddooyinka isugu soo baxday, ka dib markii magaalada ay cidlo ahayd in muddo ah.
Dagaalka u dhaxeeya Falaagada iyo ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa in hal mar uu hakaday, inkastoo weli la sheegayain la maqlayo dhawaaqa xabado goosgoos ah.

Mareykanka ayaa soo saaray qoraalka go'aan cusub, oo uu hordhigay Qarammada Midoobay kaas oo uu ku doonayo in lagu ansixiyo ciidamo kumaan gaadhaya oo la dhigo waddanka Liberia.

Kooxdan hordhaca ah ee ciidamada ayaa yimid Liberia iyagoo ka yimid waddanka Ghana, oo madaxda waddamada Galbeedka Africa ay ku leeyihiin shir degdeg ah oo ay kaga xaajoonayaan xaaladda waddanka Liberia.

Top


Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka; Waxa Qoray: Cabdi Caara-Dhuub, waxana Tifaftirey; A. Ducaale

Mawduucan la magac baxay maamuuska iyo qiimaha dhaqanaka ee ragga iyo dumarka waxa uu ku saabsan yahay ama ka hadlayaa milgihii dhaqan ee ay kala lahaayeen ragga iyo dumarku iyo mucaamilkii dhinacyada guurka iyo hab-nololeedka qoyska, taas oo uu mawduucani dhinacyo badan ka milicsanayo qiimaha uu guur-doonka iyo guurku lahaan jiray iyo sidii kale sida uu furiinku u adkaan jiray iyo sababta ay guurka iyo furiinka labaduba u adkaan jireen, isla markaana iyadoo aynu barbar dhigayno sida ay maanta tahay xaaladda guurka iyo xaaladda furiinka labaduba, waxaana mawduucan ururintiisa iyo qoristiisaba diyaariyey ninka magaciisa la yidhaahdo, Cabdi Caaradhuub oo ah nin dhaqanyahan iyo suugaanyahan labada ah, sidoo kale mawduucan waxa tifaftirkiisa iyo farshaxankiisa isku duba-riday A. Ducaale.

Marka la eego ummadaha dunida ku dhaqan waxay ummad waliba leedahay dhaqamo iyo caadooyin u gaar ah, diim, qiyam aadaminimo, astaamo iyo macaamil nololeed, luuqad u gaar ah, balaaqad suugaaneed oo u gaar ah IWM.

Marka la eego sooyaalka dhaqan ee Somalida ragga iyo dumarka mid-ba maamuus u gooniya ayuu siiyey, isla markaana makhluuqaadka ilaahay dunida ku abuuray qaarba si ayuu nolosha ugu qiimeeyey, sidaa darteed wax kasta oo isku nooc ahiba way kala qiime duwan yihiin ama wax bay is dheer yihiin ama way kala suurad duwan yihiin hadii ay tahay dhinaca midabka, xajmiga, dhererka, macaamilka, dhibta, dheefta IWM, waxaana lagu kala soocaa tilmaamo iyo hal-beegyo dhinaca nolosha, taas awgeed marka laga hadlayo dadka Somalidu dhaqan ahaan astaamo iyo qaabab la xidhiidha shakhsiyadda qofka ayey ku qiimeeyaan, laakiin waxaynu u kala saaraynaa rag iyo dumar, taas oo uu dhaqanku ragga iyo dumarka mid-ba si u qiimeeyo, iyadoo aynu qolo walba dhinaceeda u abla-ablaynayno, masalan haweenka Somalida guud ahaan ama gaar ahaan haweenka reer Somaliland dhaqan ahaan siyaalo kala duwan ayaa loo abla-ableeyaa, iyadoo lagu qiimeeyo marxalado kala duwan, sida marka la guursanayo ama la guursado ee ay reer yeelato.

Tusaale ahaan ninku marka uu doonayo inuu gabadh guursado iskam guursan jirin oo ay arintu may ahayn geel-ba sibir-goddan ee waxa jiray qaab uu gabadha uu doonayo ku xullan jiray, isaga oo xulashadiisa u raaci jiray dariiqooyin dhaqan, isla markaana axadhaya hiddaheeda dhaqan, shakhsiyadeeda, isla markaana odoros iyo qiimayn ku samaynaya liisha iyo maydhaxda gabadha, sidoo kale waxa uu raac-raac ku samayn jiray tafiirteeda dhalasho. Sidaa darteed marka uu ka baaraan-dego gabadha uu doonayo ayaa hadii ay qanciso waxa uu u huri jiray wixii aduun ah ee lagu xidho, masalan waxa ninka gabadh soo doona waxa laga yaabaa in lagu xidho xoolo badan oo yarad ah oo tusaale ahaan lagu yidhaahdo “Gabadhaa hebla hadii aanad boqol halaad oo yarad ah soo tubbin tafteeda qaban maysid”, taas oo ay raggii hore aalaaba bixin jireen wixii xoolo ah ee gabadha lagu xidho, sidaa darteed waqtiyadii hore guurku waxa uu ku kici jiray qiime badan, isla markaana waxa uu lahaa milge iyo maamuus weyn, wuxuuna ahaan jiray masalo laba qabiilo ama laba reer dhexmarta, taas awgeedna waxa furiinka la yidhaahdaa waxa uu ahaan jiray wax naadir ah, wayna adkayd in haweenay si hawl-yar la isaga furaa, laakiin marka laga yimaaddo qiimaha iyo milgaha uu guurku lahaa waxa kale oo jiray hiddosami iyo ixtiraam dhaqan oo ay dadku lahaayeen, taas oo laga xishoon jiray waxyaalo badan oo uu furiinku ka mid yahay. Sidaa daraadeed iyadoo ay ragga iyo dumarkuba ka xishoon jireen furiinka, hadana dumarku way ka sii xag jireen oo gabadhaa waa la furay ceeb ayey ahayd, waxaana dhici jirtay in haweenayda marka lagu yidhaahdo waa lagu furayaa udub-xoogga ayey qabsan jirtay (Kabaalka aqalka ku dhisan).

Masalan gabadha marka la guursanayo qabiiladu ama reerku gabadha doonisteeda way ka wada tashan jireen, xoolaha waa laga wada bixin jiray, waa la wada dhisi jiray oo qoyska waa la wada lahaa ama waa la wada ilaashan jiray, sidaa darteed hadii uu masalan ninku geeriyoodo gabadha waa la dumaalaa (La guursadaa), waxaana guursada ninka walaalkii ama inaadeerki ama ninkii kale ee cid ugu xiga. Laakiin guurka dumaasha loo yaqaan ma aha wax shareeco ahaan khasab ah, balse waa xikmad dhinaca dhaqanka ah, taas oo loola dan leeyahay inaanu qoyskii burburin ama aanay caruurtii agoonta ahayd dayac-min. Sidoo kale hadii ay ninka gabadhu ka dhimato waxa loo samayn jiray ama loo sameeyaa wax la yidhaahdo xig-siisan, taas oo macneheedu yahay in loo guuriyo gabadh kale oo ay walaalo yihiin gabadha ka dhimatay, taasina waxay ka mid ahayd ama ka mid tahay xeerarka dhinaca nolosha, waxaana ka mid ah waxyaalaha la xeerriyo, caruurta rajada ah oo loo danaynayo, waayo habar-yartood waa qofka ugu dhow ee u geli kara kaalintii hooyadood, ta labaad waxa la xeerinayaa xidhiidhkii nololeed iyo maamuuskii xiditinimo ee dhexmaray labad reer, taas oo la doonayo inaanu meesha ka bixin ama xadhiga loo jarin milgihii xidiitinimo iyo wax isu ahaanshihii dhexmaray labada reer ee ay wiilka iyo gabadhu ka soo kala jeedeen. Laakiin maanta guurka iyo furiinka midna qiima kuma fadhiyo, isla markaana halkii ay markii hore labaduba ahaayeen wax loo miidaan dayo, maanta waxay noqdeen wax xad-dhaaf ah oo loo miidaan deyeyn, waayo guurku maanta ma laha xilasho iyo xadhig-xidhasho midna, waxaadna moodaa in laga qaaday milgihii iyo maamuuskii dhaqan ee uu lahaan jiray.

Rag iyo dumar toona da’da maanta joogtaa wax milgo ah kuma salayso guurkeeda, taas oo ay marka horena sidii duqsi fuud ku dhacay guurka ugu dubuq ku yidhaahdaan, marka dambena sababaha ay isku furaan waxa ugu waaweyn waa ku sanifay iyo waan kaa xiisa-jabay. Sidoo kale waxa kale maanta badan masuuliyad-xumo dhinaca dhaqanka ah, taas oo ay ka mid tahay, dayac dhinaca nolosha qoyska ah, hadii ay tahay ubadka, haweenayda iyo burburinta qoys oo aan loo miidaan deyeyn, waxaadna moodaa in si weyn loo baylihiyey hiddosamadii dhaqankeena, lagana tagey oo uu maalinba maalinta ka dambaysa sii duugoobayo, isla markaana si aad ah loogu sii daadanayo qaadashada dhaqamo kale oo shisheeye, taasina waxay ina faraysaa inaynu dib isu xusuusino xikmaddii nololeed iyo asluubtii uu lahaa dhaqankeennu.

Waalidka guud ahaan, dhaqanyahanada, suugaanyanada, abwaanada iyo wax garadka reer Somaliland iyo guuda ahaan Somalida waxa waajib ku ah inay dabaqabateeyaan hiddasamdia dhaqankeena ee sii tafiis go’aysa, sidoo kalena da’yarta waxa ku waajib ah inay qaataan ama bartaan hiddosamadii dhaqankooda.

Hadii aynu dib ugu noqono haweenka iyo sida uu dhaqanku u abla-ablayn jiray, gaar ahaan marka la qiimaynayo naagnimadeeda (Qiimageeda), taas siyaalo ama dhinacyo badan laga eegi jiray marka dhaqan ahaan haweenayda la qiimaynayo, iyadoo ay suugaanyanadu qiimaynta haweenka ku sheegeen ama kaga hadleen suugaan kala duduwan, sida gabayo, heeso, halku-dhegyo IWM. Bal aynu tusaale u soo qaadano tix ka mid ah gabay laga hadlay qiimaynta haweenka, taas oo ah “Sidii iib gorgorintiyo, guur-doon hadaad tahay. Asaad guunyo bixinayso, waa qaadan jiray maadh ninkii goosan karayaaye. Gabadh waliba waa hooyadeed, tay u gurataaye, goonbaartu waxay caasidaa , midaanay gaadhayne. Ma gudboona gaarida sare’iyo gidirta naaxdaaye”waxa tiriyey Salaan Carabey. Laakiin marka laga hadlayo qiimaynta dhaqan ee haweenka waxa lagu qiimeeyaa ama loo eego 12 barood, taas oo la yidhaahdo naagtu waxay leedahay 12 barood ama 12 barood ayaa lagu qiimeeyaa, laakiin way adag tahay naag laba iyo tobanka barood-ba wada qaadataa, hadiise ay dhacdo inay naagto yeelato laba iyo tobanka barood ee qiimaynta, waxa naagtaas oo kale loogu yeedhaa ama loo yaqaan “Dhabeel”, sidoo kale haweenayda laba iyo tobankaa barood ku hungowda ee aan wax qiimi ah far loo darin waxa iyana loogu yeedhi jiray ama loo yaqaanay “Calako”.

Masalan laba Orgi-naagood (Laba heesaa) oo belo ku qaba ciyaaraha ama heesaha hiddaha iyo dhaqanka ayaa mid-ba si uga heesay naagta Calakada loo yaqaan, wuxuuna mid yidhi “Hadday caynteeda ligan tahay calakada cidlaa ka xun”, taas oo ula jeeday naagta calakada ahi waxay dhaantaa meel aanay naagiba joogin, laakiin saaxiibkii ayaa taa diiday oo wuxuu yidhi “Calakada cidlaa dhaanta”, taas oo uu ula jeedo naagta Calakada ah cidlada ayaa dhaanta. Sidoo kale ragga suugaanyahanada ahi waxay iyadana tafsiir ka bixiyeen naagta Dhabeesha loo yaqaan, taas oo uu nin gabyaa ahi yidhi "Wa“ad tahay Dhabeel tii u mudan, dheg iyo maamuuse”, C/salaan Caara-dhuub. Sidoo kale nin kale ayaa gabay ku yidhi “Dhamideed-ba maantay dirays, dheeg iskaga yeesho, ee ay dhabeelnimiyo, qurux dhuuxa ka iftiinto”, waxa tiriyey Maxamed Nuur Fadal.

La soco cadadka dambe.

Top


Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Q: 4aad, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray: Cumar Cali Iidle.

Markay xaafaddii ku noqotay ayey ka yabaashay ballan danbe inay u qaaddo,iyadoo aad u saluugtay hab-dhaqankiisii iyo hiwaayaddiisii meesha dhow ka hadlaysay.

Toddoba cisho ayaa ka soo wareegtay xilligii kulanku ahaa. Waabu is diyaarinayaa, wuxuu qaban qaabadeeda ku jiraa inuu tago goobtii uu ku bartay. Isaga oo dareemay niyadda iyo xiisaha Ilhaan inay ka xanaaqaan ruux sidan oo kale loo malaynayo inuu u fudud yahay Waa labbiskiisa e, ayuu shaadh gacmo gaab ah xarrago tii ugu dambeysay la tiicay, sawirro iyo wax kala nooc ah kumay xardhanayn. Shaadhku waa buluug saafi ah, halka surwaalkuna shiingay ka ahaa laakiinse aan sidii hore looga bartay lugo dhuuban iyo dildillaac toona lahayn. Dariiqa khushuuc aad u la yaab badan inta uu ku dhex maray ayuu fooror ku dhex jibaaxay baabuurtii iyo dadkii danahooda gaarka ah u wada gucleynayey. Wuxuu mar walba sawiranayey sidii la yaabka lahayd ee uu ku bartay Ilhaan intaasi oo idilse waxa kaga yaab badnayd ballan darradda uu iyada ku ogaaday. Intii uu dhexda sii soocday ayey naftiisu muran iyo werwer ku jirtay. Nuxurka doodaasi waxay ku wareegaysay su’aallo uu markii dambe ka biyo diiday oo ay ka mid ahaayeen, ‘maxaad ugu tegeysaa sow toddobaad dhan kuumay jaraynin oo aanad adiguna ka qancaynin’. ‘ Maxaa kuu dambeeya goorta aad si fiican isku barataan?’. ‘ bal muddo yar ayaan dhowrayaa, waxa laga yaabaa inay intaniba tijaabo ahayde’. Taladu guntii waxay noqotay in aanu siday ka yeeshay marnaba kula dhaqmin. Wuxuu niyadda ka Alla baryayey inuu heli doono, laakiinse muxuu ku odhan, maxayse ugu jawaabi doontaa.

Cirka ayaa isa soo qabsaday oo sayaxa dhibica iyo dabaysha buuftaa leh ayaa midba midka kale aad moodaysay inay soo kala hirdamayaan. Waa casar cadceeddu meel dheer joogto hase ahaatee la mooddo inay dharaarnimadu gabaabsi ahayd daruuraha madoobaaday ee ay ummaddu guryaha kaga hoydeen gufaacada ay wadato awgeed. Farxaan wadhaaba ma wato, wuxuu isaga oo aragtida inantan uu maalin ku bartay ugu basaasay la laab kacsan ayuu kayntii sanqadh la’aan ku galay, raaxada dhegihiisa, indhihiisa ku nuursanayeen codadka ka geddisan ee shimbiraha iyo xayawaanka barwaaqada u soo socota u riyaaqsan, iyo weliba ubaxyada carfanaya ee ku soo burqanaya dhirta caynba cayn qoorta is gelisay ayaa aad u mashaquuliyey. Farxaddiise wuxuu laafyood ugu dhammaaday hadba dhan u mushaaxa keynta cidhifkeeda kale. Saacaddu xilligii uu uga bartay inay keynta u dalxiisto ayey cagocagaynaysay. Hadba dhan ayuu qooraansiyaa laakiinse muuqeedaba ma hayo. Roob ayaa ku tiixay, geedaha hoostooda inta uu galay ayuu kolba hees qaadaa. Gabbal madoobaaday ayey ku noqotay sidii uu kolba rogaal celis u samaynayey, wax uu sameeyo inta uu Farxaan garan waayey ayey taladii siisay inuu si kastaba ha u dhacdee iska dhex qaado.

Ilhaan may dareensanayn ballantani, oo waxay jartayba tegitaanka keyntaasi, iyada oo filanaysay inu mar uun farxaan ka raadin doono goobtaasi maadaama aanu garanayn guriga ay degan tahay.

Ma quusanin farxaane dhowr maalmood ka dib markii uu cadhadii iyo ciilkii ay badday ee weliba mahiigaanku ugu biiray illaaway, ayuu isku deyey inuu qalbi waa hore ka lumaye soo raadiyo. Nasiibkiisase, rawaxaadii ayuu heley iyada oo keligeed socota kaddib markii uu dhabbadii ay mari jirtay u fadhiistay. Ilhaan qoorteedu may joogsanin oo hadba dhan ayey daymootaa, dhegeheeda, indhaheeda iyo maankeeduba waxay iska ilaalinayeen inay Cabdi iyo xasan oo wada jira amma midkoodba meel dhow kaga soo baxo waxayse ku dhacay mid aanay filanaynin meeshana soo dhiganin. Siday xagga dambe u eegaysay ayey soo jeesadkeedii wejiga saartay nin hortaagan horteeda, waaba farxaan. “ ma adigiibaa” ayey tidhi. “ haa, laakiinse ha u malaynin inan ku illaaway sidaada oo kale” ayuu ugu jawaabay. “ walaal mashquul baan ahaa” ayey tidhi. Way xiiqsanayd, hadalkeeduna googoos ayuu ahaa, qooraansigeediina wuu fara batay. Intaasi oo lahashooyin ah inta uu cabbirtay ayuu dareemay inuu jiro wax ay ka roorayso. Socodka ayuu la bilaabay oo sideeda oo kale ayuu tallaabada hoosta uga xadayey. Sheekadoodu googoos ayey ahayde markay gurigii ku dhowaatay ayey tidhi “walaal waa kani aqalkayagiiye halkan ina jooji….” “maxaad iigu jartay intaad ila ballantay, ma ogtahay inan kayntii toddobaad idil ku noq-noqonayey adiga daraadaa?” ayuu si kulul oo xanaaqsan u yidhi. “ aad ayaan uga xumahay, laakiinse ha ila yaabin mashquul ayaan ahaaye” ayey tidhi. “ma hawl ballan ka…..” dhexda inta uu hadalkiisi ku jaray ayuu yidhi “ Wax lala yaabo weeyaan naf ku jecel oo aad ka roorayso. Xiisaha aan kuu qabay iyo sida roobku iigu dul qaaday keyntii waa kaaf iyo kala dheeri” Ilhaan madaxay ka lushay hadalkaasi hore, kani dambese aad ayey uga muraaqootay oo waxay hadal murugi ku xardhan tahay ku tidhi “Anigaa qaladkaasi leh, dib dambeysana u arki maysid”. “waa xilli aad daalan tahay ee anigaa kula soo xidhiidhi doona wakhti kale” ayuu ku yidhi.

Ilahaan talo ayaa ku xayirantay wax ay sameyso ma garanayso, labadii inan ee ay ka rooraysay salleelay ahaayeene waxa ka daran ruuxani ay maalinta keliya is barteen ee haddana dhabbo kasta inata uu u joogsado si dhayal ka muuqdo ereyga jacaylka ah afka ku xardhaya. Fikir aad u ballaadhan ayey la kulantay. Go’aan geed ka go’an ah ayaa inta uu ka soo go’ay ay ku xarriiqday inaanay marnaba aqbalin jacaylka uu u sheegtay inuu u qabo.

La soco.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: Maxaynu Wax U Qaban La’nahay? Q; 2aad

Siciid I. Guraas

8.Waayida Ku Qancida

Waxyaaabaha Isbadalka keena

Mar hadii la waayo ku qancid waxa daruuri noqonaysa in la helo isbadal, hadal ahaana umadeenu way wanaagsan tahay waana aynu ka fadli badanahay cida aan inaga ahayn dhamaantood xumaan ayay wadaan taasina waa mushkulada loogu tirinayo wakhtiga la luminayo, tani waa mushkulada lagu cimra qaato, kumashquulida xal u helideeduna waa wakhti lumay uun cida xagooda ee ku qanacsani wakhti badan ayay siinayaan.

Inaga mushkiladeenu waxay tahay markay inagoo fasahaadka ku jirna ku qanacno sida umadaha kale ilaa la gaadho heer laga quustay wax isbadal ah oo dhaca oo dareenku gaadho in aan isbadalba dhacayn sidaa daraateed walaalayaal waxaan leeyahay dariiqeenu waa kii anbiyada Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi “reer binu israa’il Nabiba Nabi buu ka danbeyay Aniga Nabi iga danbeeyaa ma jiro” sidaa daraaded waa in ay umadu door wayn ka qaadato siday dhabarka ugu ridan lahayd xilka risaalada islaamka ileyn Nabi danbe oo la soo dirayaa ma jire’e.
Markuu Nabigu (CSW) uu yimi Maka muu joogin qof ashahaataa marka laga reebo lix muuminiin ah oo dadka gooni uga soocan oo uu abubakar ka mid yahay dadka intooda kale waxay ku jieren shirki iyo dib u dhac wayn dhulkuna wuxuu ahaa sidii Nabigu Yidhi (CSW) “ilaahay wuu soo eegay arladan waana u cadhooday carab iyo cajami cidii kasoo hadhay oo ah ehli kitaab mooyane” sidii uu ahaa isbadalkii waynaa ee ka dhex dhacay bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaan, umadu waxay ahayd mid ku kala duwan muuqaal kasta oo dib u dhac keenaya dabadeedna way isbadashay waxa laga yaabaa in aad tidhaahdo kaasi Nabi ayuu ahaa iyo Rasuul ilaahay u gargaaray, waxan aan ku leeyahay markuu Nabigu (CSW) uu dhintay heer kee ayuu gaadhay islaamku?

Markii talada islaamka ay la wareegeen asxaabtii rasuulku (CSW) waxa ka hortimid caqabado faro badan oo ay ka mid ahaayeen dagaaladi ay la galeen kuwii diinta ka noqday, waxa islaamka ku soo hadhay magalooyinkii waawaynaa ee maka, madiina, daa’if iyo dadkii hareerahooda daganaa, Asxaabtu waxay ka fikireen sidii dadkan diinta loogu soo celinlahaa marlabaad waxayna ay bilaabeen jihaad ilaa islaamkii soo nooleeyeen, labadii sano ee ugu horeeyay ee khilafadii Abu bakar waxa bilaabmay in islaamku dhul badan uu qabsaday waxay la dagalameen Furus iyo Ruum, ilaa ay wadankii furteen oo ay ka guulaysteen gaaladii.

Iraq, Kharasaan, Masar iyo Shaam waxay ahaayeen dalal ay hadheeyeen shirkigu, waxa kaloo iyana jirtay in uu lahaa C/laahi binu cumar waxa nagu soo daatay Baraf anagoo joogna Asarbajaan, iyadoo abu ayuubna lagu aasay agagaarka qusdandiiniya, hadaba dadkaasi miyay yaqaaneen carabiga? May ahaayeen kuwa yaqaana luqada carabiga manay ahayn carab, iyadoo intaasi jirto asxaabtu waxay kareen in ay diinta gaadhsiiyaan dalal badan.

Hadaba Xijaas intaanu iman sheekh maxamed binu C/wahab alleh ha unaxariistee siduu ahaa xaalkeedu?

Markuu yimid sidee ayuu noqday xaalku?

Sheekh Maxamed C/wahaab Ilaahay ha unaxariistee hadii uu ku fikirayo caqliyada aaynu ku fikirno waxba muu qabteen, wuxuu ahaa qof imaam ah oo ilaahay sabab uga dhigay isbadalka ka dhacay Xijaas, waxay ahaayeen bulshooyinka muslimiintu kuwa ka xafidan xumaanta, sababtuna sidey doontabaha ahaatee waxay hada isku badaleen fasahaad, waa dhacdo dabiici ah dadku sameeyaan markay doonan isbadal waxaynu ognahay tariikhda yurubta maanta la leehaya waa dhulkii cilmiga iyo horumarka maalin maalmaha ka mid ah waxay ahayd dhul mugdiga iyo jahliga hadheeyay waxayna ahayd dad aan waxba fahmayn waxay dib u dhac kaga jireen dhinac kasta oo nolasha iyo wadada hormarka loo maro, dabeedeed waxay bilaabeen in ay wax bartaan waxa is badashay noloshoodii.

Waxaynu ognahay isbadalkaasi in uu ahaa mid ilaa imika khalad ku jiro, laakiin waxaan uga jeedaa in aynu cadeyno oo dadku markay doonaan isbadal inuu yahay wax ay samayn karaan, ilaahay isagaa xumaan ka reeban wuxuu soo diray Risaaladii ugu danbeysay ee Anbiyada wuxuu soo dejiyay diin si ay dadku isaga u caabudaan, iyagu way karaan ficil ahaan in ay isbadal sameeyaan, ujeedadu waxay tahay marka la eego culayska fasahaadka ay dadku ku jiraan waxa ina hor imanaysa in ayna suurto gal ahayn in uu dhaco isbadal , sidaa daraadeed waxaynu odhanaynaa ilaahay ayaan gargaar waydiisanaynaa, hadaba waxa la yaab leh markaynu ka maqalno qof jaahil ah ama qof aan garanay kaalinta uu kaga jiro dadka waxa la yaab leh in ay isticmaalaan dadkii wanaagsanaa..haa ilaahay in la gargaarsado way fiican tahay laakiin walaalayaal wax qabad muuji ilaahayna gargaarso, Nabi ibraahim wuxuu yidhi (ilaahay ayaa nagu filan isaga ayaana ugu nimco badan cid la talo saarto) laakiin goorma ayuu yidhi kalmadan? Waxuu yidhi ka dib markii qoomkiisii diideen ilaa ay dooneen in ay dab ku ridaan markaas ayuu yidhi kalmadan.

Asxaabta Rasuulka (CSW) markay ay dadku ku yidhaahdeen waa la isku kiin urursaday si looga cabsiiyo waxay yidhaahdeen( Ilaahay Baa nagu filan isaga ayaana ugu nimco badan oo tala saaranaynaa) way bexeen waxayna hureen nafahoodi laakiin inagoo iska fadhina in aynu nidhaano Ilaahay baa nagu filan si aynu xujo aan ugu helno iska fadhiyageena, walaalayaal sidaa maaha, kalmadaa waxa isticmaala qof wax qabad leh af iyo adinba,hadaba waxaan leeyahay, waxa mushkulad inagu ah dareenkeena dhigaya inaanu isbadal dhici Karin waana ta inaga hortaagan isbadalkasta oo aynu samayn lahayn iyo wax qabadkasta oo aynu qaban lahayn.

9.Ku Hawl la naanta ceebaha dadka kale inta badan ku mashquulida in wax loo fiirsado ficil ahaan waxay dadka ka dhigtaa inaanu shaqayn, laakiin shaki kuma jiro inuu fiirsigu yahay daruuri loona baahan yahay in wax loo fiirsado, inagu ka aamusi mayno in aan iftiimino soona bandhigi mayno dadkoo dhan in loo fiirsado mana doodayno in dadku yahay bilaa khalad waxaanu u jeedna in aynu niyad wanaagsan ku shaqayno, marka aynu wax u fiirsanayno si aynu u gaadhno ujeedadeena iyo hadafkeena taas ayaynu kaga badbaadaynaa u fiirsashada, laakiin sida qaalibka ah u fiirsigii wuxuu isku badalay wiji kale oo wixii la qaban lahaaba is hortaagaya, waxa jira kuwa odhanaya iyagoo u fiirsanaya dadka hawshu ka dhaxayso.Raga caynkaasi waxay ku jiraan khaladaad oo waa sidaa waa sidaa, waxa kaloo ay odhanayaan daaciyiintu waxay yidhaadaan sidaa iyo sidaa, dadkuna waxay sameeyaan sidaa iyo sidaa, dhalinyaradu waxay ku jiraan waxa, kuwa caajisa ee meelaha fadhiya hadaad ku tidhaado maxaad meel uun uga shaqaysan wayday? Wuxuu ku odhanayaa walaal hebel ayaa waxaa sameeyay dadkuna waxaas ayay sameeyaan, dhalin yaradu waxaas ayay sameeyaan hadalkaasi waa run laakiin maxaad adigu aad u shaqaysan wayday bal aynu ka soo qaadno in fiirsiga aynu leenahay in uu sax yahay, kaasina yahay inta badan xaaladaha ay ku waasi ku sugan yihiin marka aynu isbarbar dhigno labada dhinacba waxaynu dareemaynaa in khaladku intaa ka badan yahay taasina waxay nagu waajibanaysaa in aynu ilowno hawshiiba, tani waa qadiyada u baahan in loo fiirsado si aynu u gaadhno natiijada, walaal adigu maxaad wax u qaban wayday hadaba hadii lagu arko adiga oo shaqaysanaya waxaad ka badbaadaysaa khalad oo dhan iyo in lagugu sheego wax yaabo aan munaasib aan kugu ahayn, inagu markasta waxa aynu niyayeenaa in aynu qabano hawl bilaa khalad ah, uma fiirsani kuwaasi waxay qabteen waayo meesha waxa ka maqan cid adiga oo kala ah iyo kuwa adiga oo kale ah oo awood u leh in aanay khalad gelin, mar mar waxaad dareemaysaa dadka noocan ihi ee sida adag wax ugu fiirsadaa in ay yihiin ku wa khayr leh oo markay wax u fiirsadaan laga yaaba in ay ku siiya figrado ay wax kugu hagaagan oo dhacda ah, mararka qaar kood waxa yara jirta in uu u fiirsigu noqdo khiyaamo nafsaani ah, dadka noocasi ihi sababtee doonaan ayay cabsi kaa gelinayaa shaqada aad wado mana doonayaan in aad wax qabato mana karaan in ay iyagu wax qabtaan muran la’aan, muhiimadu waxa weeye in ay meesha taalo caqabad kaa hor joogsanaysa in aad wax qabato macnuhuna waxa weeye anigu dad ayaan ahay mana doonayo in aan wax qabto waanan fadhiyayaa.

Waxaad ka warantaa dadkan ka shaqaynaya xalqada quraanka lagu xifdiyo way najaxayaan ilaahayna wax ay waydiisanayaan inuu ku waafijiyo kuwa safarka galayana ee dibada u dhoofaya ee daaciyiinta ahi waxay ilaahay waydiisanayaan in ay najaxaan, kuwa kitaabada qoraya ee mu’alifiinta ahi way najaxayaan, kuwa kale ee xadiiska akhrinayaana way najaxayaan kuwaasi waa kuwa wax qabadka samaynaya.

Macnahu kaliya maaha in aad tiraahdid anigu waxa aan ahay qof fashilmaya markasta mana karayo camal waxna ma qaban karo.

Hadaba si aynu arinta wax uga qabano.waa in aynu dhinac kale uga wareegnaa.waxaan ku leeyahay waalkayoow waa run dadkoo dhamina wuu wada qaldamaa laakiin khalad khalad laguma saxo adiga maxaa laguu arki wayay adiga oo wax qabanaya oo u shaqaysanaya sida dadku u shaqaysanayaan waxa aan ku leeyahay dadku markay shaqaynayaan khalad way galaan, hadaba kuwaan masaakiinta ah ee aad dhaliilaysid markay waayeen cid kale oo hawshan u dhaqaaqda ayay iyagu u tafo xeyteen u jeedadoodune intaas uun ayay ahayd laakiin adigu wax qabad la kaalay, adigase makula tahay dadku iyagoo aan jeclayn in ay hawlqabtaan in ay masuuliyad qaadi karaan?

Dhamaanteen khalad waynu galnaa laga yaaba in aad dareento khalad aan galnay oo badan laakiin qofku wuxuu u arkayaa in la khiyaamay oo dadku dhaafeen lagana hormaray kadibna illaahay buu u cabanayaa, adigu wax qabad samee si kuwan aad dhaliilaysaa meesha ay uga baxaan markaa dhaliishaasi waxay noqonaysaa waji ah ma garanayo dhaliishani in ay tahay muuqaalkii dhabta ahaa ee shakhsiga masuuliyadiisa iyo muuqaal xeelad nafsaani ah oo uu kaga cararayo masuuliyada soo qaabishay maxaa yeelay markuu ogaado in waajib fuulay awoodna uu u leeyahay in uu fuliyo xitaa isagoo khalad galay markaa wuu guulaysanayaa waa qof naftiisu canaananayso si ay meesha canaantaasi uga baxdo wuxuu isku dayayaa in uu naftiisa ku dhiiri geliyo sida saxda ah isagoo aan ka fadhiisan shaqadiisii.

Waxaynu wada ognahay dhaliishu inay tahay wax iska fudud oo hadii aan ku idhaahdo koox arday ah midkasta oo ka mid ah wax ka qor meesha aad joogto mid kastaaba wuxuu inoo soo saarayaa muuqaal la akhriyi karo laakiin hadii aan ku idhaahdo qabo hawshu hebel qabtay ma karo in uu si fudud u qabto adigu waad kartaa in aad cid dhaliisho hawl kasta oo la qabanayo mar hadaad hawshaa aan gacanta aanad ku ahayn bal waxaad ka soo qaadaa in nin farshaxan ah aynu ka dalbano inuu sawir inoo sameeyo oo inoo keeno oo dad aynu hor dhigno kuwaas oo iyagu aan wax ka aqoon sawirada iyo sida loo sameeyo dabedeedna aynu ku nidhaahdo bal ka warama sawirkan mid kastaaba wuxuu ku siinayaa faahfaahin, laakiin hadii aynu mid ka mid ah aynu ku nidhaahno sidii ninkii farshaxanka ahaa u sawir ma awoodaan, hadii aynu dhagaysano qof qudbadeenaya oo la fahmi karo dabadeedna aynu dadka dhagaysanaya aynu ku nidhaano ka warama midkastaaba wuu ku sheegi karaa faahfaahin ku saabsan qudbada laakiin nina ma karo intuu meesha istaago dabadeena qudbadeeyo, dhaliishu maaha daruuri dhalii looga dhiganayo karida hawsha laakiin dhaliishu nin fadhiya waa mid u fudud, hadaba ka dadka wax u fududeynaya halkan iyo halkaaba si ay dadka u dhaliilaan wixii ceeb ah ee taala, dadku markaa wuxuu bilaabaya in dhaliil sameeyaan, sidaa ayaana lagu sugnaanayaa taasi waa goobti gafka ee hebel uu ku fashilmay suurta galna maaha in ninkaa wax lala qabtaa ku kalena hadii uu nala soo galana waxba ma hagaagayaan iyo wax yaabo la mid ah,qofka sidaas ahi hawshii waa uu ka fadhiistay wuxuuna ku mashquulay dhaliisha dadka kale, waana tii dadkii oo hore ee wanaagsanaa ay lahaayeen (waxa liibaanay ninka ceebta naftiisu ay ka mashquulisay ta nafaha kale) waxayna nooga digeen inaynu ku mashquulno ceebaha dadka kale waayo waxaynaga mashquulinaysaa ceebaha nafteena iyo hawshii aynu qaban lahaynba taasina waa sida dhabta ah.

Hadaba waxa laga yaaba in ay kugu filnaato intaan ku idhi hadii halkaan ay taalay hawli iyo qadiyado faro badan, hadii aynu ku fashilanay sida aynu hore ugu sheegnay mawduuceena waxaynu helaynaa in halkaa qadiyado badani iyo umuuro badani ay cidhiidhi naga geliyaan hawshaan qaban lahayn oo aynaan sheegin, laakiin ugu yaraan laga yaabo mawduucani in uu inoo furo dariiqii aynu ku fikiri lahayn sida waxyaaba aynu soo sheegnay oo kale waxaan mawduucaygan aan ku soo xidhayaa ducadan.

Ilaahay waxaanu waydiisanaynaa inuu naga dhigo idinka iyo anagaba kuwa ka shaqeeya dhiinta kuna camal fala inuu na waafajiyo dhamaanteen adeecida ilaahay, ilaahay waa ka ina maqlaya waxaynu ku hadlayno, aqbalaayana ducooyinkeena, Naxariis iyo Nabad gelyona Nabigeeni (CSW) maxamed ahaa korkiisa ha ahaato ilaahaybaana xumaan ka nasahan mahadna leh isagaanaynu danbi dhaaf waydiisanaynaa.Aamiin Aamiin.
Dhamaad.

Qorayaasha iyo Turjumayaasha
C/fataax Xasan
Axmed Ismacil (Bucul)
Siciid Cumar Yuusuf
Maxamed Ismacil
Hargeysa Somaliland

Top