Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 388 August 3, 2003

“Miisaaniyada Wasaarada Marna Looma Qorshayn Qaab Jawaab Ka Bixinaya Xilka Culus Ee Ay Umada U Hayso...” Wasiirka caafimaadka Cismaan qaasin Qodax

Tababar U Xidhmay Macalimiinta Togdheer

Tababar Loo Furay Ganacsato La Wareegaysa Biyaha Boorama

Todobaadka Naasnuujinta Aduunka Oo Laga Xusay Somaliland

Godoomiyaha Faa Oo Ka Hadlay Hawsha Rarista Raashinka Itoobiya

Axmed Siilaanyo Oo Markii Uu Muddo Aamusnaa Dhaliilo Badan Ku Tirtirsiyey Xukuumada Rayaale: ”Madaxweynaw Waa Qayral Sharci Wasiir Baarlamaanku Diiday Inuu Xafiiska Fadhiyo.”

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kumuu Ahaa Faarax Oomaar?

Maydadka Wiilashii Sadaam Xuseen Oo Lagu Aasay Degmada Tikrit

30 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Dalka Ruushka

Golaha Amaanka Oo Ogolaaday In Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Loo Diro Dalka Laybeeriya

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Shirka Soomaalida: Dastuur La Soo Hor Dhigay Shirka Soomaalida Uga Socda Kenya

Hadraawi Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Baladweyn

Maxaad ka taqaanaa HIV/AIDS?

Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 5aad

Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Raga Iyo Dumarka
Waxa Qoray: Cabdi Caara-Dhuub, Waxa Tifaftiray A. Ducaale, Q. 2aad

“1980-kii Khibrad Ahaan Ayaan U Raacay, Laakiin Waxaan Xulka Gobolka W/Galbeed Si Rasmi Ah Ugu Ciyaaray 1981-kii,” Wareysi – Q: 1aad – Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo) Xidiggii Caanka Ahaa ee Xulkii Gobolka W/Galbeed Sideetameeyadii

Kooxda kubadda Koleyga ee Ciidanka Qaranka (Gaashaan)


“Miisaaniyada Wasaarada Marna Looma Qorshayn Qaab Jawaab Ka Bixinaya Xilka Culus Ee Ay Umada U Hayso...” Wasiirka caafimaadka Cismaan qaasin Qodax

“Miisaaniyada Wasaarada Marna Looma Qorshayn Qaab Jawaab Ka Bixinaya Xilka Culus Ee Ay Umada U Hayso...” Wasiirka caafimaadka Cismaan qaasin Qodax

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha guurtida ayaa fadhigii shalay warbixin ka dhagaystay wasiirka caafimaadka iyo shaqada ee Somaliland Cismaan Qaasim Qodax, oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Axmed Cabdi Jaamac.

Warbixintaas oo uu wasiirku ka akhriyey madasha guurtida waxa uu kaga hadlay xilalka iyo waajibka saaran wasaaradda, waxyaabaha u qorshaysan shanta sano ee soo socda, baahiyaha iyo wixii u qabsoomay wasaaradda sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirku waxa uu warbixintiisa ku sheegay inay wasaaraddu qaranka uga masuul tahay caafimaad qabka bulshada Somaliland iyo arrimaha shaqaalaha aan dawliga ahayn, isla markaana ay wasaaraddu diyaarisay barnaamij siyaasadeed oo leh saddex weji, oo kala ah daaweyn, ka hor tag iyo tayeyn, si taa loo xaqiijiyana ay wasaaraddu diyaarisay buugga siyaasadda caafimaadka ee dawladda Somaliland, qorshaha iyo istiraatiijiyada horumarineed oo shan sanadood ah, kaas oo leh qiimeyn maaliyadeed iyo mid qorshayneed-ba.

Waxa kale oo wasiirku warbixintiisa ku sheegay siyaasada daawada dalka Somaliland ee ay wasaaradu dejisay oo ka kooban 13 document, xeerka golaha caafimaadka iyo xeerka lagu maamulayo qorshaha caafimaadka gaarka ah, isla markaana ay wasaaraddu dejisay nidaam daryeel caafimaad oo isku dhafan, oo ku waajahan daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah, taas oo sida uu sheegay loogu qaybiyo dhamaan gobolada dalka ilaa heer tuulo, kuwaas oo ay ka mid yihiin 129 goobood oo caafimaad (Health Post) oo loogu talo-galay ilaa heer tuulo, 53 xarun caafimaad (Health Centers) oo kala leh darajooyinka A-B, Afar Cusbitaal Degmo, shan cusbitaal gobol, afar cudurada gaarka ah lagu daweeyo sida TB, iyo cusbitaalka qaranka ee Hargeysa.
Wasiirku waxa uu warbixintaa ku sheegay inay dhamaan goobahaasi qalabaysan yihiin 60% ay yihiin, dhismayaal cusub iyo qaar dayactir lagu sameeyey afartii sano ee u dambeeyey, iyada oo ay sanadkii 2002 ay dhismeen xanaanooyinka Daami, Fara-Weyne, Saba-Wanaag, Mandheera, Go’da Weyn, Tuurta, Koosaar, cusbitaalka Saylac, balse qaarkood aanay goobahaa shaqayn, laakiin ay furan yihiin.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in wasaaradda caafimaadku, iyada oo ka duulaysa siyaasadda cusub ee dalka laga hirgeliyey 1998, isla markaana la adeegsanayo maamulka caafimaadka oo xambaarsan, maamul wadaag iyo kharash wadaag, kaas oo suurta gelinaya inay bulshada lihi talo iyo maamul-ba ku yeeshaan xarumaha caafimaadka, kharashyadana wax ku darsadaan si lahaanshaha xarumaha deegaankooda loo fahamsiiyo, iyada oo cusbitaal/xarun kasta caafimaad loo sameeyey guddi kooban oo dadweynuhu soo doorto, kuwaas oo ka qayb qaata talada ay ku socoto xaruntaasi iyo maamulkeedaba.

Wasiirku waxa uu sheegay in barnaamijka caafimaadka ee heer qaran uu yahay ka hortaga iyo daaweynta qaaxada, oo leh saddex cusbitaal iyo bukaan socod, kaneecada oo ay wasaaraddu leedahay barnaamij heer qaran oo ka hor tag iyo daaweyn-ba leh iyo daawada oo taala ilaa heer Tuulo si ku filan, haddii cudur dilaaca uu yimaado.

Waxa kale oo uu sheegay in sanadkii 2000 maro kaneeco tiro badan oo daaweysan loo qaybiyey dalka oo dhan iyo qorshaha barnaamijka talaalka ee wasaaradda oo ah mid heer qaran ah, kaas oo qorshihiisu yahay in carruurta da’doodu ka yartahay shan sano laga talaalo cudurada dilaaga ah ee aan daawada lahayn sida Jadeecada, Gawracatada, Teetanada, Kixda iyo Qaaxadda, kuwaas oo talaalkoodu si joogto ah uga socdo 53 xarun caafimaad oo ku yaala dalka, isla markaana lagu sameeyo ololayaal lagu xoojinayo talaalka.

Sidoo kale waxa uu warbixinta ku sheegay inay wasaaraddu samaysay barnaamij heer qaran oo fulintiisu tahay ka hortaga, ilaalinta wacyi gelinta, taakulayn iyo daaweyn u qorshaysan cudurka AIDS/HIV, iyada oo sida uu warbixinta ku sheegay la sameeyey sahamin 1999-2000, isla markaana ay natiijaddii sahamintaa ka soo baxday noqotay 0.85%, laakiin waxa uu xusay inay halista cudurka dilaaga ahi intaa ka soo kordhayso oo ay ku talo jiraan sahamin cusub sanadkan gudihiisa, iyada oo sida uu wasiirku warbixinta ku sheegay la dhisay guddi heer qaran oo ka kooban lix wasaaradood wasiiradooda oo madaxweyne xigeenku xidhiidhiyo iyo guddi farsamo oo soo diyaarisa arrimaha farsamo, iyada sida uu sheegay sanadkan la diyaariyey istiraatiijad lagu xakamaynayo faafida iyo qorshe hawlgal oo dhawaan bilaabmaya oo ku waajahan siyaasadda dawladda ee cudurkan.

Wasiirku waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay barnaamijka waxbarashada aqoonta caafimaadka, kaas oo uu sheegay inuu jiro nidaam kor loogu qaadayo aqoonta caafimaad si loo helo jiil cusub oo la baro aqoonta caafimaad, isla markaana ay waxbarashadu sanadkan u socoto 83 arday oo isugu jira umulisooyin iyo kal-kaaliyayaal caafimaad iyo in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha caafimaadka, kuwaas oo si joogto ah loogu fidiyo siminaar caafimaad dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aqoonta sare ee caafimaadka ay wasaaraddu u qorshaysay sanadkan oo mac-hadkan caafimaadka culuunta sayniska ee Hargeysa lala maateeneyey Jaamacadda Liverpool ee Ingiriiska, taas oo dhawaan ka bilaabmi doonta Hargeysa, iyada oo warbarasho sare la siin doono dhakhaatiirtii hore iyo farsama yaqaanada wasaaradda caafimaadka, taas oo si is-daba joog ah u socon doonta, isla markaana waxbarasho dibadeed loo helay 12 arday oo waxbarashada dhakhtarnimo aan dhamaysan sanadkii 1998-kii.

Wasiirku waxa uu sheegay inay sanadkii 1998-kii ay joogeen laba gaadhi, oo hawglab ahi maantana ay hawsha ku jiraan 22 gaadhi, iyada oo uu gobol kastaa haysto 3 ilaa afar gaadhi, laakiin wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax waxa uu sheegay inaan marnaba loo qorshayn wasaaradda caafimaadka iyo shaqada miisaaniyad qaabaysan oo jawaab ka bixinaysa xil gudashada balaadhan ee ay ummadda u hayso wasaaraddu, taas oo uu sheegay inaanay ku jirin miisaaniyadda fulinta daryeelka, daaweynta, ka hortaga iyo mid loogu gurman karo haddii uu dhaco cudur aafo ahi, wuxuuna warbixintaa ku soo bandhigay shax muujinaysa miisaaniyadda wasaaradda iyo sida ay u baxdo, taas oo uu ku xusay inaanay ku filnayn waxyaabaha xarumaha dhexe gobolada oo aan helin miisaaniyad maamul lagu fuliyo, laakiin waxa hawsha daryeelka lagu wadaa, deeq iyo kharash kabka adeegyada lagu qaado.

Wasiirku waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in waaxda shaqada xilkeedu kooban yahay oo aanay wakhtigan shaqaale badani joogin wadanka, laakiin ay samaysay wasaaradu xeerka shaqaalaha aan dawliga ahayn iyo xuquuqda shaqo ee muwaadinka qeexaya, kaas oo uu sheegay inuu horyaalo golaha wakiiladda si loo meel mariyo, isla markaana wax weyn ka tari doona dhibaatooyin badan oo ka jira xil gudashada waaxda iyo xuquuqda shaqaalaha.

Wasiirku waxa uu warbixintiisa hadlay qorshaha u degsan oo ay ka mid yihiin dib u furida mac-hadka caafimaadka, dib u dhiska hoygii kal-kaaliyayaasha caafimaadka, furida iyo qalabaynta daawo iyo shaqaale ee xarumaha cusub ee caafimaadka, hirgelinta barnaamijka dawladda ee daawooyinka dalka iyo fulinta barnaamijka xogta caafimaadka iyo maamulkeeda, fulinta xeerka shaqaalaha aan dawliga ahayn iyo fidinta waaxda shaqada, kor u qaadida adeegyada cusbitaalka guud iyo hagaajinta bilicdiisa iyo xoojinta barnaamijyada sida caadiga ah u socday, laba ambalaas oo Ceerigaabo iyo Berbera ah iyo gaadhi landcrusier ah oo xarunta dhexe ah.

Wasiirku waxa uu warbixintiisa ku gabagabeeyey dhibaatooyinka wasaaradda oo uu ku sheegay miisaaniyad yaraan, daryeel la’aanta shaqaalaha oo aan mushahar ku filan qaadan, qalab iyo daawo la’aan, wada shaqayn la’aanta hay’adaha dawladda ee fulinta oo aan u midaysnayn qorshe hawleedka iyo xilgudashada wasaaradda caafimaadka, soo gelida ajaanibka dalka gudihiisa oo shaqooyinka ka boobaya shaqaalaha muwaadiniinta ah ee xaqa u leh.

Wuxuuna soo jeediyey in wasaaradda loo kordhiyo miisaaniyadda si ay u gudato xilkeeda, iyo in shaqaalaha loo kordhiyo mushaharka.

Warbixintaa wasiirka ka dib waxay mudanayaasha qaar ka mid ahi weydiiyeen wasiirka iyo agaasimihiisa su’aalo la xidhiidha warbixintooda, kuwaas uu ka jawaabay agaasimaha Wasaaradda Axmed Cabdi Jaamac.

Top


Tababar U Xidhmay Macalimiinta Togdheer

Burco (Haatuf): Tababar muddo laba toddobaad ah ka socday dhismaha dugsiga Maxamud Axmed Cali ee magaalada Burco ayaa shalay xidhmay, iyadoo halkaa lagu qabtay xaflad ku saabsan xidhitaanka tababarkaa.

Sida uu ku soo waramay Axmed Yuusuf oo Haatuf ka tirsan tababarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo Hayadda samafalka ee S.C.F/UK, waxa ka qayb galay 110 macalin oo ka kala socday dugsiyada iyo qaybaha waxbarashada ee gobolka togdheer, waxaana ka qayb galay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada C/raxmaan Maxamed Maal, badhasaabka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, gudoomiyaha waxbarashada gobolka togdheer , Ibraahin dhegeweyne iyo madaxa hayadda S.C.F/UK, Miss. Mercy iyo qaar kale, ugu horayna waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada, oo yidhi “Tababarkan waxaan u malaynayaa inay macalimiinta ka qayb gashay wax badan ka faa’iideen, waxaanuna macalimiinta siminaarku u xidhmay ku samaynaynaa dabagal, islamarkaana waxaanu u mahad naqaynaa hayadaha S.C.F/UK iyo UNICEF oo naga caawiyey fulinta hawshan”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Ismaaciil Maxamuud Muuse oo iftiimin ka bixiyey waxyaalihii ay ka faa’iideen tababarkan, taas oo uu sheegay inay wax badan ka korodhsadeen, sidoo kale waxa uu macalinkani ka hadlay dhibaatada dhinaca dhul-boobka ee iskuulada lagu hayo, isaga oo yidhi “Waxaanu doonaynaa in naloo ilaaliyo agabka waxbarashada iyo dayrarka iskuulada ee ay dadku iska degeen”.

Badhasaabka togdheer Cabdi Xuseen dheere ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waa tii aan hore idiin idhi macalimiinta meelahaa haloo xag-xago oo wixii loo awoodo haloo qabto”ayuu yidhi, isaga oo la hadlaya agaasimaha guud ee waxbarashada oo xidhitaanka tababarkaa ka qayb galay.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay maayarka Burco Maxamed Diiriye Xayd, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxayna gobolada kale ka dambaynaa tobanka sannadood ee ay Itoobiya taariikhdeeda ka saartay oo kale, taasna waxaan leeyahay inaga ayaa isugu wacan, waayo maxaa wax laynoo qabtaa iskuuladiiba waa nalaga haystaa oo waxa boobay dadkii aqoonta lahaa, markaa nin waliba isaga oo dhinaca qaldan wax u wada ayuu doonayaa inay wax hagaagaan”.

Waxa kale oo iyaduna halkaa ka hadashay madaxaa S.C.F, Miss: Mercy, waxayna ka warantay waxyaalaha ay hayadeedu qabato, taas oo ay tidhi hayaddani waxay ilaalisaa caruurta da’yarta ah, isla markaana waxay u mahad naqday dawladda Somaliland iyo dadka reer Burco , waayo bay tidhi “hadii aanay gacan na siin waxba nooma qabsoomeen, waxaanuna doonaynaa inaanu hore u marino waxbarashada gobolka Togdheer, wax qabadkayaguna waxa uu bilaabmayaa bishan Ogost ee aynu ku jirno, iyadoo uu ku talagalkayagu yahay ilaa laba sannadood”.

Top


Tababar Loo Furay Ganacsato La Wareegaysa Biyaha Boorama

Boorama (Haatuf) Duqa Boorama Cabdiraxmaan Sh.Cumar  ayaa shalay  Boorama tababar uga furay  xubno ka tirsan ganacsatada reer Boorama  oo la doonayo inay gacanta ku qabtaan   socodsiinta Mashruuca biyo ballaadhinta Boorama.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Boorama Maxamad Cumar Xubnahan  oo la sheegay inay buuxiyeen shuruudo  ay ku xidheen Maamulka Biyaha Boorama ,Unicef iyo Maamulka dawladda  ayaa waxay ka koobanyihiin 19  xubnood.Duqa oo ka hadlay munaasabadda fritaanka tababarkan waxa uu ka qaybgeleyaasha  tababarkan uga warramaydadaalkii loosoo maray hirgelinta mashruucan  iyo sida la doonayo in looga midho dhaliyo.'' maaha haddii  la idin yidhi shirkad baad noqon doontaan biyaha Boorama ka haqabtirta, inaad dadweynaha biyaha ku  xukuntaan .waxa aad ogtihiin lacagtii ku baxday higelintiisa  imikana tababarkan waxa aad ku qaadan doontaan xogta guud ee mashruuca Biyaha iyo dadaalkii loosoo maray hirgelintiisa  sidaa darteedna waxa la doonayaa in tababarkan aad go'aanno kaga gadhaan arrimaha  idin horyaalla sida qiimaha ,qalabka ,iyo adeegyada ugu habboon ee  la doonayo inaad Biyaha daweynaha ku gaadhsiisaan."ayuu yidhi. Duqa ka  hor waxa isaguna halkaa ka hadlay Mr.Lindon oo Biyaha iyo caafimaadka guud u qaaabilsan   hay'adda UNICEF isagoo sheegay in la gaadhay wakhti  mashruuca biyaha Boorama  dadweynuhu arkaan kana faa’iideystaan ,waxaana ka qaybgeleyaasha tababarkan  ka codsanaynaa inay  kasoo saaraan natiijooyin anfaca dadka ka faa’iideysanaya mashruucan.Gebogebadii  furitaanka tababarkan  ayaa waxa lagu doortay Guddi fulineed  oo ka kooban shan xubnood oo ka mid ah  19ka xubnood waxayna magacyadoodu kala yihiin :Maxamed Nuur  Faahiye (Guddoomiye), Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil,Axmed Daahir Aadan,Aadan maxamed Hoorri, iyo Idiris Muxumed Sacad.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas ee Gobolka Awdal  Xaji Nuur Muxumed Madar  ayaa shalay Boorama ka furay  xaflad lagu   dhiirrigelinayo naasnuujinta oo loo qabtay haweenka ilmahooda naaska nuujiya ee ku nool  Boorama iyo daafaheeda.Xafladahan  oo loogu talo galay  wacyigelinta naasnuujinta  socona doonta muddo toddobaad ah,iskana kaashadeen wasaaradda caafimaadka gobolka Awdal,UNICEF ,iyo Ururka Bisha cas ee gobolka Awdal ayaa xaaji nuur waxa uu  hooyooyinka  xusuusiyey faa’iidada naasnuujintu u leedahay ilmaha iyo hooyada sidaa darteedna caalamku isku raacay inaanay jirin caano lagu bedeli karo kuwa hooyada.

Xubnaha maalin walba ka qaybqaadanaya  ololahan naasnuujinta  oo tiradoodu gaadhayso ilaa 35 ,ayaa waxa loogu kala qaban doonaa xafladahani xarumaha xanaanada hooyada iyo dhallaanka  ee Boorama .Gudoomiyaha ka hor waxa isaguna halkaa ka hadlay maadaxa xanaanooyinka Gobolka Awdal Siciid Bile Buraale oo ka warramay  wadashaqaynta ururka Bisha Cas iyo Wasaaradda caafimaadka  gobolka taasoo ku saabsan sidii loo daryeeli lahaa ubadka iyo hooyada ,gaar ahaanna xarumaha ama MCH-yadu yihiin kuwa ay hawshaasi  qoyska  wadajir uga fuliyaan “waxaan  haweenka naaska nuujiya ubadkooda ku adkaynaynaa inayna ka leexan tubta toosan ee ay ubadkooda ku korinayaan”ayuu yidhi

Top


Todobaadka Naasnuujinta Aduunka Oo Laga Xusay Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu xusay toddobaadka naaas-nujinta aduunka oo ah toddobaadka u horeeya bishan Ogost ayaa shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta qoyska ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladdaa ka soo qayb galay madax ka tirsan dawladda iyo saraakiil ka tirsan hayadda caruurta aduunka ee UNICEF, iyadoo halkaana laga furay aqoon iswaydaarsi arintaa la xidhiidha oo socon doona muddo 7 maalmood ah, waxaana meelmarinta arintaa iska kaashaday wasaaradda arimaha qoyska iyo UNICEF, isla markaana waxa aqoon iswaydaarsigaa ka soo qayb galay 30 haween ah oo ka kala socda xaafadaha iyo rugaha caafimaadka dhalaanka ee magaalada Hargeysa.

Ugu horayn waxa furitaankii xafladdaa ka hadashay haweenayda wasiirka ka ah wasaaradda arimaha qoyska, Marwo Faadumo Suufi Xasan, waxayna ka warrantay faa’iidooyinka ay naas-nujintu u leedahay ilmaha iyo koritaankiisa, gaar ahaan bay tidhi lixda bilood ee ugu horeeya.
“Waa inay dumarku ku dedaalaan naas-nuujinta caruurta oo ay ka daayaan masaasadda”ayey tidhi marwo Faadumo.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay haweenayda wasiirka ka ah wasaaradda arimaha debedda, Marwo Edna Aadan-Dhakhtar, waxayna tilmaamo ka bixisay qiimaha iyo faa’iidada ay naas-nuujintu u leedahay caruurta, Sidoo kale waxa iyana halkaa ka hadashay Miss: Grase oo ka mid ah saraaakiisha hayadda UNICEF, waxayna ka hadashay munaasibadda xuska maalinta naas-nuujinta aduunka, iyadoo dunida oo dhan laga xusayo maalinta, taas oo Miss: Grase aad ugu dheeraatay waxtarka ay caanaha naaska hooyadu u leeyihiin ilmaha yar iyo sida loogu baahan yahay inay hooyooyinku taa ku dedaalaan, waxayna sharax ka bixisay nafaqooyinka kala duduwan ee ay ku jira caanaha naaska hooyada.

Waxa kale oo xafladda ka soo qayb galay saraaakiil ka tirsan UNICEF oo ay ka mid yihiin Maxamed SH. C/laahi iyo Cawil Xaaji Cali. Sidoo kale waxa ka soo qayb galay Wasiir-kuxigeenka caafimaadka, Axmed Jaamac Samatar (Who) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha qoysk, Marwo: Amran Cali Xirsi, waxayna dhamaan madaxda xafladdaa ka soo qayb gashay aad uga hadleen faa’iidooyinka caanaha naaska hooyada iyo ujeedada ay dunidu ka leedahay barnaamijka naas-nuujinta.

Intaa ka dib madaxda xafladdaa ka soo qayb gashay dhamaadkii xafladda waxay kormeer ku soo mareen MCH ku yaal xaafadda IFTIN.

Dhinaca kalena baabuur makarafoono ku rakibban yihiin ayaa shalay ku wareegayay xaafadaha magaalada Hargeysa, waxaana makarafoonadaa laga baahinayey halku-dhegyo la xidhiidha barnaamijka naas-nuujinta, iyadoo uu barnaamijka naas-nuujintu muddo toddobaad ah socon doono.

Top


Godoomiyaha Faa Oo Ka Hadlay Hawsha Rarista Raashinka Itoobiya

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha shirkadda FAA-Co Farxaan Axmed Cali oo ah shirkada dejinaysa qamadiga caawimada ah ee ay midawga Yurub ugu deeqeen dalka Itoobiya oo ay shalay weriyayaal Haatuf ka tirsan waraysi kula yeesheen xafiiska ayaa faah-faahin ka bixiyey sida ay hawshaasi u socoto, isaga oo sheegay inay hawshaas wadeen afartii maalmood ee u dambeeyey, isla markaana ay hawshaas rarista raashinka iskaashadeen ururka gaadiidlayda Somaliland ee Tawfiiq.

Farxaan waxa uu sheegay in markabkan oo dhan 25 kun oo tan, uu sido qamadi palk ah (daadsan) isla markaana ay makiinado tolayaan, kuwaas oo ku shubaya joonyada, isla markaana saaraya baabuurta qaadaysa, iyada oo hawsha dejinta iyo rarista markabkaas si fiican u socoto.
Gudoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in ay muddo dhaweyd dekedda soo waajahday dhibaato dhinaca caymiska ka dib markii ay shirkadaha caymiska maraakiibtu qaaliyeeyeen caymiskii maraakiibta u socota dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, taas oo sababtay in laba markab oo dekedda Berbera u socday u baydhaan dhinaca dekedda Djibouti, balse ay taasi xaliyeen ka dib markii sida uu sheegay ay ka hawlgaleen sidii loo kala saari Somaliland iyo Soomaaliya isaga iyo masuuliyiin kale.

Iyada oo uu sheegay in arrintaasi imika dhamaatay, isla markaana ay dhawaan rajaynayaan in markab kale oo sida 25 kun oo tan.

Gudoomiyaha oo la weydiiyey xidhiidhka ka dhaxeeya shirkadiisa iyo ururka gaadiidlayda waxa uu sheegay in xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayneed ka dhaxeeyo, isla markaana ay gaadiidlaydu ka heleen khibrad rogistii maraakiibtii hore.

Waxa kale oo gudoomiyaha la weydiiyey inay jiraan gaadiid laga leeyahay dhinaca Itoobiya ama dhinaca Soomaaliya inay ka qayb qaadanayaan hawsha rarista qamadigan caawimada ah, waxa uu sheegay in aanay jirin, balse waxa uu xusay inay taasi dhiiri gelin lahayd tartanka dekedda Berbera ay kula jirto dekedaha kale ee gobolka.

Gudoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in ay dekedda Berbera yimaadeen ilaa 11 markab oo qamadigan caawimada ah sida, isla markaana ay shirkadiisu rogtay 9 ka mid ah maraakiibtaasi, iyada oo uu xusay inay ka faa’iidaysteen khibrada ay ka heleen maraakiibtaas hore.
Farxaan oo la weydiiyey dacaayado sheegayey in qamadiga marka la qaado ay mararka qaarkood gaadiidleydu dhibaato kala kulmaan dhinaca Itoobiya waxa uu sheegay inay taasi tahay dacaayado loo fidinayo dekedda Berbera, oo ay fidinayaan dad ka mid ah dadka ay dekedahooda tartanka kula jirto dekedda Berbera.

Ugu dambayn Farxaan wuxu si gaara hoosta uga xariiqay inay mararka qaarkood gaadiidka qamadiga lagu soo celiyo marka la eego ay tahay mid ay wax ka jiraan, balse ay imika taasi gaadiidlaydu khibrad badan ka heleen maraakiibtii hore, isla markaana taas dawo loo helay.

Top


Axmed Siilaanyo Oo Markii Uu Muddo Aamusnaa Dhaliilo Badan Ku Tirtirsiyey Xukuumada Rayaale: ”Madaxweynaw Waa Qayral Sharci Wasiir Baarlamaanku Diiday Inuu Xafiiska Fadhiyo.”

“Qaybe Waaka Yidhaahda Anigaa Buuhoodle Ka Wakiil Ah Ee Mawqifkiisa Ha Cadeeyo……..”
“Wasiir ku xigeenka beel dhan eedeeyey haddii aanu madaxweynuhu ku raacsanayn………….”

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) aayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed iyo maamul ee dalka, isaga oo arimo dhawr ah si gaar uga hadlay ama hoosta ka xariiqay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xukuumadda cusub ee uu madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay ka dib doorashadii madaxtooyada, xaalada bariga Somaliland iyo fara gelinta maamulka C/laahi Yuusuf, dhalinyarada siyaasadda u xidh-xidhan, arrinta doorashada baarlamaanka, wasiiraddii la ansixin waayey ee weli xafiisyada fadhiya iyo qodobo kale oo xiiso leh.

Axmed Siilaanyo waxa uu arrimahaa kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiska xisbigiisa ee Hargeysa, waana markii u horeysay ee uu afka kala qaado, waxna ka sheego xaaladaha siyaasadeed iyo maamul ee dalka tan iyo markii uu aqbalay natiijaddii doorashada ee muranka kululi ka aloosmay, taas oo ay si weyn isugu maan-dhaafeen xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, laakiin Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay sababta uu tan iyo muddadaa u aamusnaa iyo waxa maanta ka dhawaajiyey. Sidoo kale waxa uu shirkiisa jaraa’id ku xusay halka ay ku dambeeyeen wada hadalo waqti hore u bilaabmay hogaanka xisbigiisa iyo madaxweyne Rayaale.

Waxa kale oo uu iyana ka hadlay xaaladda dhaqaale, siyaasada dibada iyo khilaafaadkii dhawaan dhexmaray ganacsatada iyo xukuumadda.

“Inaga oo og in habka xisbiyada badani inuu wax cusub inagu yahay, taas oo laga yaabo inaanay xisbul xaakimka aad ugu cadayn xuquuqda ay leeyihiin xisbiyada mucaaradku” ayuu yidhi Siilaanyo, wuxuuna intaa ku daray “Wada-hadalo ayaa socday intii muddo ah, welina waa socdaan, mana odhan karno waa la isku af-garan waayey, laakiin haddana ilaa waqtigan aynu joogno midho dhal may noqon”.

Gudoomiyaha KULMIYE, isaga oo ka waramaya sababta uu inmuddo ah u aamusnaa waxa uu sheegay inaanay doonayn inay arintu noqoto yooyootan iyo mindi-mindi ku taag, isla markaana la helo is-afgarasho ku saabsan sidii dalka iyo ummadda loo maamuli lahaa, laakiin waxa uu yidhi “Maanta waxa la soo gaadhay marxalad aanu is leenahay danta ummaddu way ku jirtaa in mawaadiic dhawr ah wax laga yidhaahdo”.

Intaa ka dib Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay golaha wasiirada ee uu dhowaan dhisay madaxweyne Rayaale, wuxuuna yidhi “Anigu waxba shakhsiyaad ka odhan maayo, oo waa laga yaabaa inay jiraan qaar tayo leh iyo qaar aan tayo lahayn, balse taas waxba ka odhan maayo, laakiin qodobka aan doonayo inaan hoosta ka xariiqo waxa weeye dawladda maanta dalka laga dhisay ma aha noocii iyo tiradii uu maanta dalku u baahnaa, sababtuna waxa weeye waa dawlad ciidaa ka badan, sida wasiiro, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawlayaal aanay cadayn waxa ay kala qabanayaan, mana aha wax awooda dalku qaadi karto. Waxa kale oo intaa dheer in raggii wasiiradda ahaan jiray ee meesha iyo qaar kale oo quudaraynayey in loo sameeyey hay’addo kale, oo hawshii wasaaraddu qaban lahayd mid u eg loo sameeyey, markaa dadka dalka iyo dadka u damqanaya ee aanu ka mid nahay tirada intaa le’eeg waxaanu u aragnaa inaanay ahayn wax dalka anfacaya. Waxa kale oo taa ka sii daran oo la yaab leh wasiiraddii baarlamaanku diiday inay weli meeshii joogaan oo wax saxeexayaan oo ay kursigii ku fadhiyaan, markaa waxaanu leenahay madaxweynaw taasi waa qayral sharci, waana qayral dastuuri, wasiir aan baarlamaanku ansixin inuu xafiiskii sii fadhiyo, iyada oo aanu golaha wakiiladda xisbi kasta oo ay yihiin ku bogaadinayno inay maanta yeeshaan awood ay wax ku diidi karaan, oo ay dedaal iyo xilkasnimo sameeyeen”.

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay dhalinyarada maxaabiista ah ee siyaasada u xidhan, wuxuuna yidhi “Madaxweynaha arrimihii aanu ka wada hadlaynay waxa ka mid ah dadka xidhan wax ka qabashadooda, arrintaasi marar badan oo aanu madaxweynaha kala hadalnay waxa jiray balan qaad odhanaya dhakhso ayaanu u sii daynaynaa, beri baanu sii daynaynaa, laakiin arrintaasi muddo dheer bay qaadatay, iyada oo dawladdu marka ay waxyaabaha qaarkood naga soo baxaan tidhaahda Ictiraafkii bay wax yeeshay, laakiin marka la yidhaahdo dad baa xaq daro ku xidhan waxba inama yeesho, ee waxay ina yeeshaa marka dad xaq darro loo xidho, inamada xidh-xidhan marna lama horkeenin maxkamad, oo lama odhan waxaas iyo waxaas ayaa la idinku haystaa, ee iyaga oo xidhan oo aan waxba la weydiin ayaa maxkamad wax laga soo saxeexaa, distoorka iyo sharcigu taa ma ogola, waxaana igu maqaalo ah xaalku hadda wuxuu marayaa halkan saxeexa inaad dambiilayaal tihiin, balse qof aan maxkamadi wax ku cadayn, waa meel ka dhac, markaa waxaanu dawladda ugu baaqaynaa inay inamadaa sii daayaan oo xorriyadoodii loo celiyo oo ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku fuliyaan balantii ay qaadeen”.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay dhaqaalaha dalka taas oo uu tilmaamay in cidda ugu badan ee dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha ka qayb qaadataa ay tahay dadweynaha gaar ahaan ganacsatada laakiin wuxuu yidhi “Su’aasha meesha taal waxay tahay qaabka ay dawladdu ula dhaqanto dadka dhaqaalaha dalku ku fadhiyo, ma tahay siyaasadii saxa ahayd, haddii aynu ka soo qaadno xoolo dhaqatada iyo beeralayda ma jirto wax loo qabtay, ta labaad dawladda waxaanu leenahay waar horaa baayacmushtar badani inooga baydhay, ka dib markii ganacsatadii u arkeen in culays aanay qaadi karin la saaray, ee wax aanay ku baydhin halagula dhaqmo, masalan carwooyin dad shisheeye ah ayaa meelahan lagu dhigaa, waxyaalaha la keenaana waa alaab xarago, laakiin waxaynu u baahanahay carwooyin wax soo saar oo dhiiri geliya waxyaalaha dalkeena ka soo baxa, mana aha in boqolaal kun oo Dollar la inagaga fur-furo alaab yar yar oo indha sar-caad ah”.

Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay xaaladda biyo yaraanta Hargeysa wuxuuna yidhi “Dawladda intaa tiro le’eeg iska dhaaf goboladii fog-fogaa oo maanta magaalo madaxdii dalka ayaa lagu biyo la’yahay, arrintaasna dhaliil weyn ayaanu ugu soo jeedinaynaa dawladda, waxayna ahayd in wax laga qabto”.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in la dhiiri geliyo dadka dibadaha oo laga ilaaliyo wax kasta oo wel-wel ama dhibaato u geysan kara “Ma aha in qofka jujuub iyo khasab lagu soo celiyo” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray “Ilaa caalamku ictiraafkeena inoo dhameeyo, oo uu dawlad inoo arko, ilayn dawladdo is ictiraafsan ayaa heshiis wada galee, way adagtahay in heshiis lala galo".

Axmed waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay lacagaha ay dawladdu soo daabacato, isaga oo yidhi “Marka lacag la soo daabacayo dastuurku wuxu qorayaa inuu baarlamaanku ogolaado, sidoo kale heshiisyada caalamiga ah ee la galayo wuxu dastuurku qorayaa in baarlamaanku ogolaado, laakiin kolay intaan anigu ka warqabo, lacagihii la soo daabacday mid uu baarlamaanku ogolaaday ma jirto ama xataa la horgeeyey”.

“dhawr iyo labaatan wasaaradood inay ka badato ma ahayn” ayuu Axmed Siilaanyo mar la weydiiyey inta uu arko in laga dhigo dawladda.

“Waxa jira qodob aanu dawladda dhaliil weyn uga soo jeedinayno” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, isaga oo qodobka tilmaamayana wuxuu yidhi “Maalin dhaweyd nin wasiir ku xigeena ayaa beel dhan oo shacbiga Somaliland ah eedeeyey, taas oo weliba markii baarlamaanku sii daayey ayuu yidhi isaga oo xafiiskii dawladda reer hebel ima dooran, arrintaasna waxaanu aragnaa arrin qaranimada, dawladnimada iyo siyaasaddaba u xun, waxaana arrintaa masuuliyadeeda iska leh Madaxweyne Rayaale, waayo ninkaasi isaga ayuu ka wakiil ahaa ee haddii uu la qabana ummadda ha u cadeeyo, haddii kalena talaabada ku haboon ha ka qaado”.

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca maamul goboleedka Puntland iyo fara-gelinta Somaliland, isaga oo cambaareeyey hadal dhawaan ka soo yeedhay maamulka C/laahi Yusuf oo ahaa inuu magacaabay gobol la yidhaahdo Cayn oo ay magaalo madax u tahay Buuhoodle, gobolkaasina uu ka mid yahay gobolada Puntland, taasna isaga oo Axmed Siilaanyo ka hadlaya waxa uu yidhi “Arrintaa waanu ka soo horjeednaa, waana fara-gelin Somaliland, ficil ka qaadashadeedana dawladda ayuu saaran yahay”. Laakiin Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in loo baahnaa inuu arrinta Buuhoodle gudoomiyaha golaha wakiiladda Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo deegaankaas ka soo jeeda, isaga oo yidhi “Qaybe iyo dadka kale ee la mid ahi, marka Buuhoodle cid loo magacaabayo wuxuu yidhaahdaa anigaa ka wakiil, markaa imikana isaga ka wakiilee waa inuu cadeeyo mawqifkiisa arrintaas”.

Axmed Siilaanyo waxa kale uu ka hadlay doorashada baarlamaanka taas oo uu sheegay in hore looga wada hadllay, isaga oo sheegay inaanay doorashada macno yeelanayn haddii aan la is raacin ta madaxtooyada iyo baarlamaanka, isaga oo yidhi “Mabdi’yan waxan la isku diidanayn sida ugu dhakhsaha badan loo qabto.”

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kumuu Ahaa Faarax Oomaar?

Xaaji Faarax Oomaar Ileeye waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee bilaabay hormoodkana u ahaa dhaqdhaqaaqii halganka siyaasiga ah ee xornimo-doonkii Soomaaliyeed. Waxa kale oo Xaaji Faarax Oomaar uu ka mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee awoodda u lahaa in ay sirta qalinka wax ku hilaadiyaan amaba wax ku suurayn karaan ee dad hortii wax bartay. Waxa uu ka mid ahaa Faarax Oomaar carruurtti ugu horreysey ee hesha waxbarashada casriga ah waayadii isticmaarku soo galay dhulkeena. Xaaji Faarax wuxuu wax ku bartay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ah.

Sida ay taariikhduba xusto waxa uu Faarax Oomaar geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu isu hortaaagi lahaa dulmigii iyo cadaadintii lagu hayey dadkii Soomaaliyeed ee la gumaysanayey.

Halgankii xornimo-doonka ee Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ahaa mid siyaasi ah, waxaanu ku astaysnaa in si aan xoog iyo jujuub ahayn oo nabad gelyo ah lagu muujiyo dareenka diidmo ee shacabka, laguna raadiyo xaqa iyo xuquuqda ay dadkiisa iyo dalkiisu u leeyihiin in ay madax-bannaani helaan oo sida quruumaha kale ee dunidana iyagu ka tashadaan masiirkooda. Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ahaa nin indho-furan oo la socda, xogogaalna u ah siyaasaddii caalamka ee xilligaas waayo cilmiga uu bartay ee qanuunka (law) iyo waayo- aragnimada uu ka helay dalalkii uu tegay ayaa uu suurto geliyey inuu si fudud u fahmo sirta gumeysiga iyo xeeladaha uu isticmaalo si uu u addoonsado dadka uu haysto.

Waxa uu Faarax oomaar sameeyey isku dayo fara badan iyo dadaal uu ku raad-goobayey in uu ku qanciyo Soomaalida iyo caalam-weynaha kaleba in dadkiisa iyo dalkiisu ay xaq u leeyihiin in ay xoroobaan oo iyagu is maamulaan, waxaana hal-ku-dhigyadiisa lagu xasuusto ka mid ahaa:
Hayaay na cunyeey; naga soo gaadhaay!

Waxa uu hal-ku-dhiggani ahaa hordhacii warqad uu Xaaji Faarax Oomaar u diray Golihii Ummadaha (League of Nations) dagaalkii kowaad ee dunidu markii uu dhammaaday 1918kii.

Barbaariddii Iyo Waxbarashadii Faarax Oomaar

Xaaji Faarax Oomar waxa uu ku dhashay Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil, ee Somaliland, sannadkii 1879kii. Qoyska Reer Oomaar waxa uu ahaa xoolo dhaqato hodan ah oo aad looga tixgelin jiray bulshada dhexdeeda.

Taasi waxay u suuro gelisay in Faarax oo da’adiisu aad u yar tahay uu helo waxbarasho, waxaana lagu daray malcaamad qur’aan. Muddo markii uu beesha dhexdeeda qur’aanka ku dhiganayey, ayaa aabbihii Oomaar Ileeye u qaaday magaalada Berbera, halkaas oo uu ka sii watey waxbarashadii qur’aanka kariimka ah iyo Af-carbeedka.

Ka dib markii gumaystayaasha reer Yurub magaalada Berlin ku qaybsadeen dhulalkii ay boobayeen ee Qaaradda Afrika sannadkii 1884kii, ayaa waxa Somaliland qoondaysigii qori-tuuradka ahaa ku helay gumaysigii Ingriiska. Ujeedooyinka gumeysi ee Ingriiska oo badnaa ayaa waxaan ka madhnayn sidii diinta masiixiga loogu beeri lahaa Somalida oo 100% Muslim ah. Dadka Somalidu iyaga oo og arrintaa ayey Ingriiska markii uu dalka soo galayba ay heshiis qoraal ah la galeen. Waxaana ka mid ahaa qodobadii heshiisyadaa inaan Ingriisku dalka ka samayn karin dugsiyo waxbarasho oo faafiya diin aan ahayn ta islaamka.

Nasiib-darro muddo yar ka dib, Ingriisku waxaa uu jebiyay heshiiskaas waxaanu ka furay meel la yidhaaho Dhaymoole oo u dhow magaalada xeebta ku taal ee Berbera dugsi Baaderi ah oo lagu barto diinta masiixiga.

Dugsigaas cusub oo Diinta Kiristaanka fidinteeda looga gol lahaa ayaa waxa lagu xareeyay kow iyo toban (11) wiil oo uu Faarax Oomaar ka mid ahaa.

Furitaanka dugsigaas waa laga xumaaday markii la ogaadey, waana lagu kacay oo waxa ka-hor-yimid odayaashii heshiiska amuurtaas ku saabsan hore ula galay Ingriisaka iyaga oo kaashanaya shacbi-weynihii Somaliyeed. Lama qoran arday dambe, waanu xidhmay dugsigaasi markii dambe.

Haddaba nimankii baaderiyaasha ahaa ayaa markii ay arkeen inaanu dugsigu sii jiri doonin, waxa ay 11kii arday ee lagu bilaabay u qaadeen magaalada Cadan si loogu soo baro diinta kiristaanka iyo tacliinta kale ee maadiga ahba. Xilligaa baaderigu Cadan u qaaday ardaydaas waxa Faarax Oomaar da’diisu ahayd qiyaastii toddoba jir.

Inamadii kale ee lala qaaday Faarax oo dhammaantood da’doodu aad u yarayd waxa ka mid ahaa:

1: Ciise Faranji
2: Fideer
3: Xuseen Kaatoli
4: Axmed Cali (Michael Mariano aabihii)
5: Maxamuud Diiriye Suulaawe

Faarax Oomaar waxa la geeyey dugsi la odhan jiray Mary Church School oo ku yaalay badhtamaha Cadan. Faarax dugsigaas ayuu ku dhammaystay waxbarsahsiisa ilaa dugsiga sare.

Kow iyo tobankii wiil ee baaderigu qaatay shan ka mid ahi waxay noqdeen kiristaan lixina muslim, wuxuuna Faarax Oomaar ka mid ahaa lixdaa muslimnimadoodii ilaahay u badbaadiyey.

Sida laga soo xigtay dhallinyaradii ay wax wada baran jireen, waxa Faarax oo awelba diinta islaamka aad u yaaqaanay caado u ahayd inuu hoosta ka akhriyo suurada (Qullhuwalaha) marka loo dhigayo casharrada diinta kiristaanka oo ardayda khasab ku ahayd inay bartaan.

Faarax Oomaar wuxuu dalka dib ugu soo laabatay 18 sannadood ka dib isaga oo 25 jir ah.

Waxaanu isla markiiba guursaday gabadh la odhan jiray Shaqlan Buureed oo Reer Berbera ahayd, waxaanay u yeelatay oo alle siiyey wiil keliya oo la odhan jiray Jaamac Faarax Oomaar kasoo dhintay isagoo aabbihii X. Faarax Oomaar weli nool yahay. Jamac X. Faarax wuxuu ifka kaga tegey gabadh keliya oo la yidhaaho Ugaaso Jaamac X. Faarax Oomaar oo ilaa hadda nool.

Bilowgii Halgankii X.Faarax Oomaar

Markii uu soo dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare ee uu dalka ku soo laabtay 1904 ayaa dawladda inggiriisku u magacowday inuu noqdo taliyaha ciidamada bariga Somaliland ee Rakuublayda (Regiment sergent camel crops), taasoo ahayd markii ugu horreysey ee uu qabto shaqo dawladeed. Shaqadaas ayaa ahayd tii uu Faarax Oomaar ku dareemay gumeysigii lagu hayey dadkiisa. Faarax Oomaar oo ahaa nin ilaahay hibo u siiyey geesinimo iyo af-tahanimo, ayaa waxa uu si aan gabbasho lahayn isu hortaagay, una diiday dulmigii, cadaadintii, iyo duudsigii xuquuqda dadka Soomaaliyeed uu ku hayey gumaysigu.

Ingriiska ayaa u yeedhay Faarax Oomaar oo su’aalay waxa ninka madow ku filan dhinacyada mushahaarada, raashinka iyo darajada iwm. Waxaanu Xaajigu ku jawaab celiyey xog xigmadaysan oo hoosta ka xarriiqaysa xeel-dheerida garashadiisa iyo fikirkiisa siyaasiga ah, waxaanu Xaajigu ugu jawaabey Ingriiska in ninka madow ay ku filan tahay inta ninka cad ku filnaan karta dhinac kasta! Jawaabtani waxa ay af-kala-qaad iyo lama filaan ku noqotay Ingriiskii, waxanay horseeday in isha la geliyo Faarax Oomaar oo loo fiirsado, gaadh gaar ahina uu hoosta kala socdo dhaqdhaqaaqiisa.

Markii Ingirisku ogaaday in Faarax Oomaar ka horjeedo ujeedooyinkooda gumaysiga ku dhisan, kana xanuunsanayo tacadiga lagu hayo dadkiisa, ayaa waxaa u muuqatay in Faarax yahay dhibaato ku soo fool leh maamulkoda. Waxa ay dareemeen in Faarax Oomaar uu yahay nin firfircoon, ilbax ah, aftahamo ah oo dadka soo jiidan kara, isla markaana lahaa aqoon sare oo aan xilligaa dalka ka jirin, sidaa daraadeed waxaa la isla gartay in Faarax Oomaar isha lagu hayo. Waxa maamulkii Ingriiisku sameeyay ciidan Somali ah oo dabagal ku sameeya, lana socda dhaqdhaqaaqiisa meel kasta oo uu joogo, kuwaasoo mushahaaro dheeraada loogu qoray.
Waxa Faarax Oomaar la geliyey cidhiidhi dhinac walba ahaa oo marba isa soo tarayey, iyadoo loo sameeyay shirqoollo iyo qoraalo been abuur ah si dambi loogu helo.

La soco.

Qore: Mohamed Jaamac Cali (Faroole)

Top


Maydadka Wiilashii Sadaam Xuseen Oo Lagu Aasay Degmada Tikrit

Tikrit ( W.wararka) sida ay sheegeen dad goob joog ahi maydkii labadii wiil ee uu dhalay sadaam xuseen ayaa lagu aasay Magaalada tikrit oo ah meesha uu ku dhashay Sadaam Xuseen.
Dadka ku nool magaalada Tikrit ayaa u sheegay weriyayaasha in Shalay arroonimadii lagu aasay halkaas maydadkii labadii wiil ee Saddaam Xuseen oo ay dileen ciidamada Maraykanku.
Waxay dadku sheegeen in meydadka Cuday iyo Qusay ay ku duubnaayeen calanka dalka Ciraaq, ka dib markii magaalada Baqdaad lagaga keenay baabuurta Cisbitaalada ee loo yaqaano Ambulanska.

Dad goob jooga ahaana waxay sheegeen in halkaasi ay joogeen ciidamo badan oo Mareykan ah, suxufiyiintana loo diiday in ay filimo ka duubtaan aaska Cuday iyo Qusay.

Ciidamada Xulufada ah ee jooga magaalada Baqdaad lagama hayo xaqiijin arrintan la xidhiidha, hase yeeshee, maamulaha Mareykanka ee dalka Ciraaq, Paul Bremer ayaa la filayaa in uu qabto shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo arintaasi.

Waxa hore welwel looga muujiyay waxa laga yeelayo meydadka Cuday iyo qusay. Warar laga helay ciidamada xulufada ah ayaa sheegayay in laga cabsi qabay in qabuuraha labadaas wiil in ay bartilmaameed u noqodaan dadka wali daacadda u ah madaxweynihii la riday ee Ciraaq amaba xabaaluhu ay bartimaameed u noqdaan dadkii cadowga u ahaa Cuday iyo Qusay oo aad u badan, ka dibna laga yaabo in ay waxyeelo u geystaan meesha raggaa lagu aasay.

Top


30 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Dalka Ruushka

Mosko (W.wararka) Weerar lagu qaadey Cisbitaal uu leeyahay miletriga Russia oo ku yaal meel ku dhow Gobolka Chechnya maalintii shalay ayaa waxa ku dhintey 30 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan boqol iyo kuntan kale.

Shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeenayey goobta qaraxu ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka shaqaynayeen habeenkii Jimcaha oo dhan.

Isbitalka Miletri oo la yidhaa Mozdok ayaa qaraxaasi uu dhulka la simey oo wada burburey. Darbi ku yaal qeybta dambe ee Cisbitaalka kaliya ayaa weli taagan.

Kooxaha gargaarka ayaa dhex dusaya iyagoo gacmahooda ku qaadaya burburka daarta ee is-dul yaal, sidaasna ku sameysanaya meelo laga baxshay waxyaabihii cuslaa ee daartu ka sameysneyd. Markii ay hal saac shaqada wadaanba wey aamusayeen, si ay u dhageystaan haddii ay dad nooli weli ka hadlayaan burburka hoostiisa. Dad aad u tiro badan ayaa ku xayiran Cisbitaalkan dumey. Qaar badan ayaa la geeyey Cisbitaallo gaar loo leeyahay oo ku dhow barta qaraxu ka dhacay. In ka badan boqol qof oo iskugu jira dad Cisbitaalka jiifey iyo shaqaalihii cisbitaalka ayaa ku jirey Isbitalka markii qaraxu dhacay. Dadka qaraxu waxyeeleeyey intooda badan waa askar Russian ah.

Hey'adda Russia u qaabislan arimaha degdegga ee maxalliga ah ayaa sheegtey in qof naftii hore ah uu albaabka weyn ee Cisbitaalka uu soo galley baabuur ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, halkaasna uu ku qarxiyey.

Bartii uu baaburku ku qarxay waxa haatan ka muuqda god weyn oo qaraxu sameeyey. Iyadoo ay weli socoto hawlgalkii wax loogu qabanayey dadkii halkaas waxyeeladu ku gaadhey ayeey masuuliinta Russia durba bilaabeen in ay farta ku fiiqaan oo ay qaraxaasi ku eedeeyaan Chechnya oo ku taal xuduuda daanta ka soo horjeedda Cisbitaalka qaraxu burburiyey. Cisbitalka Mozdok oo ah midka ugu weyn ee qaabilsna gobolkaas waxa uu xarunta gobolka u yahay ciidamada Russia ee la dagaalmaya jabhadaha Chechneya ee Russia ka soo jorjeeda.

Dhinaca kale, Ciidamada Russia waxa durba ku soo furmaya su'aallo liqistoodu ay adagtahay oo ku xidhiidha sida ay ku suurtagashay in dadka wax qarxiyey ay soo dhexmareen magaalada Cisbitaalku ku yaal oo ka mid ah kuwa waddanka loogu ilaalis badan yahay

Top


Golaha Amaanka Oo Ogolaaday In Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Loo Diro Dalka Laybeeriya

New York (W.wararka) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansaxiyey qaraar uu Mareykanku soo hordhigay oo dhigaya in ciidamo nabad ilaalineed la geeyo Liberia.

Markii Golaha Ammaanku u codbixiyey qaraarka cusub ee Liberia ciidamada loogu dirayo, 12 ka mid ah xubnaha Golaha Ammaanka ayaa 'HAA' ku codeeyey halka ay France, Germany iyo Mexico ay ka aamuseen.

Hawlgalkani waxa lagu fulin doonaa laba marxaladood. Marxaladda koowaad waxa ay ku bilaabmi doontaa ciidamo ay leeyihiin wadamada Afrikada Galbeed oo Nigeria ay hormood u tahay oo Isniinta dayuurado lagu geyn doono Monrovia.

Sharcigan haatan la ansaxiyey waxa uu Madaxweyne Charles Taylor ugu yeedhayaa in uu waddanka dibadda uga baxo todobaadka soo socda sidii uu horeyba u ogolaadey.
Markaas ka dib, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan ayaa waxa hortaal shaqada ah in uu soo abaabulo ciidamo caalami ah oo bisha Oktoober ee soo socota diyaar u noqon doona in ay nabad ilaalinta kala wareegaan ciidanka Afrikada Galbeed ee haatan hawsha sii bilaabi doona.

Top


Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Shirka Soomaalida: Dastuur La Soo Hor Dhigay Shirka Soomaalida Uga Socda Kenya

Nairobi (W.wararka) Ergooyinka ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Magaalada Nairobi ayaa shalay loo qaybiyey Nuqul ah dastuurka Cusub oo ku qoran Af Soomaali.

Qolka shirarka ee madasha shirka ee Mbagathi oo ay isugu yimaadeen inta badan ergooyinka iyo hogaamiyeyaalsha shirka ka qaybgalaya ayaa laga hor akhriyey qodabada Dastuurka Cusub.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Keynya iyo safiirka dalka Kenya ee Soomaaliya, Maxamed Affay iyo gudoomaha shirka Kibligaat ayaa iyaguna goob joog ahaa.
Muse Suudi Yallaxaw oo isgu shalay warsaxaafadeed uu soo saaray ku soo jeediyay talo ah in aan dastuurka la horgeyn ergada, ayaa isaguna ka mid ahaa hogamiyeyaashii ka qeyb galay dhageysiga akhriska qodobada dastuurka cusub.

Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha shirka ka qeyb galaya oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa ii sheegay in Guddoomiyaha shirka, Bathwel Kiblagat uu ogalaaday in Dastuurka Cusub aan shiweynaha lagaga hadlin hadda oo dib loo dhigo muddo seddex maalimood ah tan iyo inta ay ka soo baaraan dagayaan Ergooyinka shirka ka qayb galaya.

Si kasta ha ahaatee, jawiga shirku ayaa ahaa mid u muuqda in uu marayo meel xasaasi ah, waxaana lagu wadaa maalmaha soo socoda in si dhab ah ay u bilaabanto dooda dastuurka iyo u codeyntiisa, iyadoo uu gudoonka shirku ku talo jiro in uu u gudbo wajiga seddexaad ee doorashada xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Hase ahaatee sida ay wararku sheegayaan waxaa arrintaa ka horeeya in wafdi balaadhan oo ka socoda dowladda Kenya loo diro marka hore Jamhuuriyada Soomaaliland, si looga dhaadhiciyo in ay muhiim tahay in ay shirka ka soo qeyb galaan.

Top


Hadraawi Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Baladweyn

Beladweyn( BBC)Waxaa gaadhay magaalada Beledweyne wafdigii nabaddoonka ah ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, socdaalka loogu magac-daray Socdaalkii Hadraawi.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxa ay ka mid ahayd meelaha uu ku taamayey Abwaanka in uu arko maaddaama ay ka mid ahayd magaalooyinka ku magacaaban heesaha faraha badan ee uu tiriyey.

Socdaalka Hadraawi oo maalintii doraad ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay gaadhay magaalada Beledweyne oo ka mid ahayd goobihii uu sida gaarka ah u doonayey in uu arko Abwaan Hadraawi.

Boqollaal baabuur ah iyo dadweyne fara badan ayaa Abwaanka iyo wafdigiisa kaga hor yimid meesha la yidhaahdo 115 oo ilaa shan kiiloomitir dhinaca Bari ka xigta magaalada Beledweyne.

Dadweynahaasi waxaa sidoo kale la socday maamulka, saraakiisha, ganacsatada, haweenka iyo waxgaradka kale ee magaalada, kuwaasoo uu horkacayey ku simaha gobolka Cabdullaahi Cabdi Cali Koofi iyo weliba Faadumo Xaaji Xuseen oo guddoomisa ururka haweenka.

Buunddada Ciyaarta
Abwaanka iyo wafdigiisa kaleba waxaa la dejiyey hotel Hiiraan, hase yeeshee isla markiiba waxaa loola cararay abwaanka in uu tago oo ka tallaabo buundadii uu u bixiyey buundada ciyaarta oo xilligii uu magaca u bixiyey ahayd buundo loo yaqaannay liiq-liiqato, hase yeeshee hadda buundo weyn ah, taasoo magaalada u kala qeybisa Bari iyo Galbeed.

Iyadoo ay boqollaal dadweyne ahi la socdaan ayuu Abwaan Hadraawi ka tallaabay buundada, taasoo ilaa sannadihii la soo dhaafay ku sinnayd in ay dadku ka kala adeegtaan, laakiin aanu isu socodka kale sida ganacsiga waaweyn jirin, waayo baabuurta waaweyn ee ganacsiga badeecadaha waa loo lala rogayey marka ay ka tallaabayaan buundadaasi, taasoo ahayd waxoogaa kalsooni xumo ah oo u dhaxaysay labada dhinac ee Beledweyne, laakiin ay taasi meesha ka baxday sida uu sheegay Cabdiwahaab Cabdullaahi Oomaar oo ka tirsan waxgaradka magaalada.

Dadka reer Beledweyne waxay u sheegeen Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi in ay ducadiisii magaalada ee ahayd Beledweyne Allahayow Ka Dhig Guri Barwaaqo in uu ilaahay u aqbalay ducadaasi oo maantana magaaladaasi laga dhoofiyo ilaa afartan baabuur oo khudaar ah maalin kasta, waxayna dadku ku heesayeen Hadraawi iyo Hiiraan lama kala xigo iyo erayo kale.

Abwaanka iyo abwaaniintii kale ee la socotayba waxa lagu soo wareejiyey xaafadaha magaalada oo dhan, iyadoo loogu horreysiiyey dhinaca degmada Hawlwadaag maaddaama uu ka soo billowday dhinaca Bari ee magaalada, waxayna dadku isu dhex yaaceen si aan caadi ahayn oo aanan beryahaan la arag.

Arintaasi oo abwaanka iyo wafdigiisaba si weyn u farxad gelisay, maaddaama ay ka tarjumayso tallaabo xagga nabadda loo qaaday sida uu sheegay Maxamed Axmed Cali Kiimiko oo ah sarkaalka wafaafinta u qaabilsan ururka Isku Xidhka Nabadda iyo Xuquuqda aadanaha oo fududeynaya socdaalka wafigan.

Abwaanka waxa uu habeen hore seexday degmada Jowhar, halkaasoo uu maamulka degmada casho sharaf ugu sameeyey, waxaana masuuliyiintii qaabishay ka mid ahaa ku-simaha maamulka Maxamed Dheere, Cismaan Xaaji Caqiim iyo masuuliyiin kale sida Cali Sheekh Yuusuf oo ah guddoomiyaha degmada

Top


Maxaad ka taqaanaa HIV/AIDS?

Dalka Somaliland wuxuu madaxweynihii hore Maxamed X. Ibraahim cigaal kaga dhawaaqay inuu ka jiro dilaaga HIV/AIDS. 1999 ilaa wakhtigana ma argno wacyi galin Badan oo laga sameeyo cudurkan oo masiibo ku nuqday dunida oo dhan si ay dadku u ogaadaan dhibaatadiisa oo ay isaga ilaaliyaan waxay ahayd in la ogaysiiyo waayo? waxa jira dadbadan oo aan ka warqabin siyaabaha loo qaado iyo wuxuu yahayba. hadaba aniga oo halkaa ka duulaya waxaan ka jawaabayaa su’aasha maqaalkan cinwaanka u ah run ahaantii AIDS maha cudur gaara isaga laftiisu laakiin waa cuduro dhowr ah oo looyaqaan.

(opportunistic infections) oo macneheedu yahay cudurada ka faa’iidaysanaya difaaca jidhka ee hoos u dhacay ee uu keenay firiska HIV. (Human immuno deficiency virus ) oo marka lasoo gaabiyo looyaqaan HIV,waa fayris ama cudursidaha burburiya unugyada difaaca ee jidhka ka dib marka ay yaraadaan tirada unugyada difaacaya xunnuunada waxa uu jidhka qofku ufududaadaa inay ay soo galaan jeermisyada keena cudurda ka faa’iidaysanaya difaaca jidhka ee diciifay.

fayriska HIV wuxuu ku noolaankaraa dheecaanada ama dareerayaasha jidhka sida dhiiga qofka qaba, dheecaanka galmada (mani)iyo caanaha naaska hooyada qabta HIV.marka uu qaado qofku todaabado kadib waxa lagu arkaa calaamadaha u eg kuwa duriga laakiinse waxaa laga yaabaa ilaa toban sano iyo in ka badan kadib qofka lagu arko calaamadaha AIDS iyadoo ku xidhan qofka nafaqadiisa iyo nadaafadiisa Mudadaasi hadii aanay qofka ku dhicin cuduro ama laga daweeyo kolba cudurada qofka ku dhaca wuu sii noolaan karaa laakiin markasta wuu ugudbinayaa xanuunka dadka kale.

Fayriska HIV waxaa loo kala qaadaa ama la iskugu gudbiyaa marka la is waydaarsado dheecaamada jidhka sida dhiiga,mannida,iyo caanaha hooyada .

HIV wuxuu qofkale ku gaadhi karaa sedex dariiqo oo kala ah:

1. In lawadaago irbadaha ama qalabka la isku mudo oon loo sifayn sidii loo baahnaa

2. In lala sameeyo galmo aan dhawrsanayn qof sida HIV

3. Hooyo qabta fariska HIV oo ugudbisa ilmaheeda uurka ku jira marka uu ilmuhu dhalanayo, iyo marka naaska la siinayo.

Waxa kale oo HIVga laga heli karaa kaadida ilmada iyo dhididka hase yeeshee waatayo aad iyo aad uyar oon ruux kale loogu gudbin Karin.

hadaba akhristoow ilaa wakhtigan xaadirka ah daawo looma hayo HIV sidoo kale wadamada ka hooseeya saxaaraha laga bilaabo Yugaandha ilaa south afrika dhaqaalahoodii ayuu hoos uriday waayo? wuxuu ku dhacay oo uu aad u yareeyay dadkii awooda lahaa ee wax soo saari lahaa dawladahaasi waxaa kale oo ay u istic maaleen lacag toodii daawooyin qaaliya marka waxaas oo dhan la isku wada geeyana waxaa lagu qiyaasay inuu dhaqaalaha wadamadaas qarnigii labaatanaad uu dib u celiyey in u dhiganta 10-15 sano.

Daawooyinka loo isticmaalo cudurkan waa qaar cimriga uun dheereeya mana daweeyaan cudurka iyaga laftooda ayaa leh dhibaatooyin kuwaas oo ay ka mid yihiin shuban,madax xanuun , dhaawac ku yimaada neerfisyada,iyo baruur qofka uga soo baxda si aan caadi ahayn
Hadaba waxa loo baahan yahay in xanuunkan la iska ilaaliyo adigoo raacaya dariiqooyinkan
- in aanad isticmaalin irbadaha ama qalabka dadka lagu qalo sida(kuwa lagu gudo dadka, kuwa hilib dalqaha lagu jaro) oo aan nadiif ahayn, (not sterilized). Ama cid kale isticmaashay
-Inaad samayso galmo dhawrsan oo aad iska ilaaliso galmada xaaraanta ah, ama mid kasta oo aad ka qaadi karto HIV/AIDS.

-In hooyada qaaday fayraska HIV/AIDS aanay nuujin ilmaheeda.

C/laahi Cabdi Axmed (SOYDA Health & Awareness Officer).

Top


Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 5aad

Farxaan dhuuxiyo lafta inta uu dhexqaaday jacaylkii gaamuray, ayaanu marnaba hiyiga ka saarin inay Ilhaan xaaskiisa noqoto hase ahaatee hubaashii xaggeeda kalsooni kamuu qabin. Waxay xaajadu meertaba iyadu mawqifkii hore ay u qaadatay ayey weli ka joogtay.

Waxa is bedeshey noloshii iyo caafimaadkiisii, inta riiq ah ee uu jidhka ka tabanayo waxa ka darnayd kan uu maankiisu dheelli tir wacan ku waayey. Wuxuu noqday salcaan ay haweenku ka ruwaayadsadaan, oo maraan ah oo aan loo qabin qadarintii markii hore loo qaaday. Saynab, waa Ilhaan saaxiibadeed e, waxay ka caloolyootay ninkani raganimadiisii ku luntay gabadhan aan war iyo wacaal toona u haynin. Dabeeto waxay bilowday inay u kala xaajooto oo ay bal isku daydo inay inyar oo isku soo dhoweyn ah abuurto.

Aroor hore oo uu jawigu deganaa ayey ku kallahday saaxiibadeed, waxay jiiftay qolkeedii oo inta ay qureecatay ayey buug akhrisanaysaa. Soo dhoweyn kaddib ayey ku soo hadal qaadday arrimihii Farxaan. “wiilasha wanaagsan naftaydaa ka hesha..” ayey saynab tidhi. “Ruux kastoo wacanba wax la naco ma laha,” ayey Ilhaan ugu jawaabtay. Waxay ku soo hadal qaadday arrimihii Farxaan iyo Ilhaan dhex maray. “Saaxiibeey, adiga iyo farxaan beryahan dambe sidii hore iskuma tihidine maxaa idinku kala dhacay?” Ilhaan “awalba isku maannu wanaagsanayn”.

“Maxaa dhacay?” Ayey saynab ugu celisay. Run ahaantii Ilhaan may haynin jawaab waafiya oo ay ku qanacdo saaxiibadeed sidaa la ajligeedna inta ay kacday ayey tidhi “ waan soo qureecanayaaye in yar isii sug”. Saynab waxay dareentay inaanay jirin wax buuran oo ay isku dirirsanayihiin. Intii ay qureecda ku maqnayd ayey woxoogaa yara dhex meertay marba dhan ayey guriga u daawataa, waxay heshey waraaq uu u soo qoray Farxaan Ilhaan taasi oo u badnayd cabbir uu ku bandhigayey heerkulkiisa 90ka digrii garaacaya. Muraaqood iyo caloolyow intay ku beereen ereyadii ku xardhanaa waraaqdu, ayey ismoogaan ugu tagtay Ilhaan oo weli madbakha dhex meeraysa si uu wakhtigu u dhaco. “ ereyada qiirada leh ee xaadda ku kicinaya marka aad akhrido miyaanad in uun u diir naxaynin?” ayey Saynab odhaah xabeeb leh ku tidhi. Ilhaan kor intay u eegtay ayey tidhi “qalbi keligii wax jecel oo weliba inan rag ku yaallaa inu sidani oo kale u hadli waayo miyaad filaysaa? Haddaba Farxaan anigu ma jecli ee isagaa la igu xabageeyee walaaleey haddaad iga fujin karayso iga fuji” “Waa qof wanaagsan, anigaa aqaana, bini aadamtinimo ruux leh weeyaan ee maxaad ku nacaysaa?” ayey Saynab tidhi. Ilhaan oo rabta inay hadalka soo jarto ayaa tidhi “ qof kastaa dhinac uu ka xunyahay iyo xag uu ka wanaagsan yahayba way jiraan, laakiinse isaga umaan bogin” “oo waayo?” markay Saynab tidhiba Ilhaan ayaa kediso kula soo booday hadal aanay filanaynin “Adiga hadduu ku qanciyey waa halkeeda, mar dambese ha isku deyin inaad noo kala dab qaaddo marnaba u soo joogsan maayee”.

Farxaan jawaab ayuu ka sugayaa Saynab, wakhtigii ayaa ku daba dheeraaday oo kolba garaaca albaabka ayuu moodaa inay u soo gashay shimbirtii bogsiin lahayd oo daawadii u sidda. Cago jiid ayey ku gashay gurigii, wejigeedu hoos ayuu u foororay inta ay toos u soo gashay qolkii uu jiifay ayey sariirtiisa lugaha kaga fadhiisatay.

La soco

Top


Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Raga Iyo Dumarka
Waxa Qoray: Cabdi Caara-Dhuub, Waxa Tifaftiray A. Ducaale, Q. 2aad

12-ka barood ee quruxda kow iyo toban ka mid ahi waa qiime, midna waa qurux, laakiin hadii aynu iswaydiino quruxdu waa maxay ma jirto wax qurruxdiisa la isku raacsan yahay marka laga reebo fardaha iyo Ubaxa, balse hadii aynu iswaydiino ragga iyo dumarka keebaa qurux badan.

Runtii quruxdu waa ta ilaahay kuu abuuray, hase yeeshee ragga iyo dumarku way ku dedaal badan yihiin baadidoonka quruxda, laakiin waxaad moodaa in dumarku sidii ay isu lahaayeen is qurxiya ayey jidhkoodii dhallan-gediyeen, iyadoo aad dhinaca kalena inay sii tabar-go’ayaan xishood qaniga ahaa ee dumarka Somalida lagu yaqaanay, sidaa darteed sida la isu qurxinayo hadii aan la isu dhawrin is qurxintaasi waxay noqonaysaa barkuma taal. Laakiin weligeed-ba quruxda iyo sida loo yaqaan weligeed-ba waa lagu kala aragti duwanaa, waxaana tusaale u noqon kara tuducan gabayga ah, “Nin waliba ta uu caashaqaa waw Cambaro Luule’e”. Sidoo kale tilmaamo iyo sifooyin badan ayaa laga bixiyey quruxda dumarka, taas oo lagu sheegay suugaan kala duwan, sida heeso, gabayo, geeraaro IWM.

La soco cadadka dambe.

Top


“1980-kii Khibrad Ahaan Ayaan U Raacay, Laakiin Waxaan Xulka Gobolka W/Galbeed Si Rasmi Ah Ugu Ciyaaray 1981-kii,” Wareysi – Q: 1aad – Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo) Xidiggii Caanka Ahaa ee Xulkii Gobolka W/Galbeed Sideetameeyadii

Waadiga Ciyaaraha

Abdi Fatah M . Caydiid

Hargeysa (Haatuf): Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo), dad badan baa marka ay magacaa maqlaan xusuusan kara, Tartanadii Gobollada ee kubadda Cagta ee la qaban jiray sannadkiiba mar, waxaana loo qayb jiray laba wareeg oo ka hore gobollada Waqooyiga iyo Bariga Soomaaliya isku soo reeb-reebin jireen, wareega labaadna Muqdisho lagu qaban jiray.

Fu’aad Dhabo, waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu caansanayd ee soo marta xulka Gobolka Waqooyi-galbeed kubadda cagta, gaar ahaan sannadihii 1981-kii iyo 1985-kii, isla markaana waxa taa u dheeraa isagoo ciyaaraha kubadda cagta ay u dheereeyaan kubadda Laliska oo uu xulkii gobolka waqooyi-galbeed ee kubadda Laliska u saftay, kubadda koleyga, kubadda handball-sha iyo bootinta.

Haddaba, waxa Wargeyska Haatuf u suurto-gashay inuu wareysi dheer oo dhinacyo badan leh la yeesho ciyaartoygan, kaas oo aanu idiinku soo gudbin doono dhawr qaybood oo ku soo bixi doona Wargeyska Haatuf, Tirsiyadiisa kala duwan.

Laakiin inta aynaan wareysigaa u gudda gelin aan wax yar ka ogaano taariikhdii ciyaartoygaas Fu’aad C/laahi Ciise (Dhabo).

Fu’aad waxa uu ku dhashay oo uu ku barbaaray magaalada Hargeysa, isagoo dugsigiisii hoose ka galey isla magaalada Hargeysa. Fu’aad, waxa uu yaraantiisii aad u xiisay jiray ciyaaraha, gaar ahaan ciyaarta kubadda cagta, isagoo ka dhashay qoys aanay ka madhnayn hibadda ciyaaraha. Fu’aad Aabihii wuxuu ciyaari jiray ciyaartii Xeedhada la odhan jiray iyo kubadda cagtaba, Walaalkii Aniis C/laahi Ciise, waxa uu ahaa kabtankii xulka G/Togdheer sannadihii sideetameeyadii, kaas oo ahaa da’ ahaan ka weynaa, balse ay ciyaaraha isku soo gaadheen.

Fu’aad C/laahi, Dugsigii Dhexe ee Waxbarashada waxa uu ka galay dugsigii Yurubiyan School, isagoo dugsigiisii sarena ka dhigtay dugsiga caanka ah ee 26 Juun, balse intii aanu dhammaysan dugsigii sare waxa Fu’aad u safar shaqo ah ugu kicitimay dalka Qatar ee dalal Khaliij Carabta sannadkii 1982-kii, isagoo sannadahaa iyo wixii ka dambeeyayba ku noollaa dalka Qatar oo uu ka shaqayn jiray, balse uu hadda dib ugu soo laabtay dalkiisii hooyo, waxaaanu wakhtigan xaadirka ah deggan yahay magaalada Hargeysa.

Wareysigii waxa uu u dhacay sidan:

S: Marka hore Fu’aad, waxaan jeclahay in aad carruurnimadii dib ugu noqoto oo aad wax nooga sheegto sidaad u xiisayn jirtay ciyaaraha iyo siday kuugu jirtay hiwaayada ciyaaruhu iyo weliba kooxihii ugu horeeyay ee ay suurta-gal kuu noqotay in aad ka mid noqoto?

J: Run ahaantii, carruurnimadaydii aad ayaan u jeclaa kubadda cagta ayaanan ciyaari jiray oo marka aanu malcaamadda badannaa ku sii socono, ayaanu kubadda ciyaari jirnay oo aad ayaanu u yaryarayn, waxaanan wakhtigaa ku ciyaari jirnay kubaddii la odhan jiray Abu Cudbi. Xilligii aan dugsiga dhexe ku jirayna, kubadda cagtaa ayaan ciyaari jiray, rasmi ahaan dugsiyada dhexe ayay tartamadu ka bilaabmi jireen, waxaan ka mid ahaa kooxda Iskuulka oo aan afka hore uga ciyaari jiray, anigoo lambarka 9aad qaadan jiray. Kooxda Yurubiyan Iskuul, waxa ay ka mid ahayd kooxaha ugu adag heerka dugsiyada dhexe, badannaana waxaanu ciyaarta kama-dambaysta isugu soo bixi jiray kooxda kale ee Iskuulka Axmed Gurey, iyadoo marna ay kooxda Dugsigaygu badin jirtay, marna kooxda dugsiga Axmed Gurey. Waxaa jirtay sannadkii 1977-kii in aanu ciyaartii kama-dambaysta ahayd isugu soo baxnay dugsiga Axmed Gurey, kadibna wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu uu dhammaaday iyadoo aanan wax goolal ah isku dhallin, waxaana lagu daray wakhti dheeraad ah, waxaanay kooxda Dugsiga Axmed Gurey naga dhaliyeen wakhtigii dheeraadka ahaa gool, halkaas ayayna koobkii ku qaadeen.

Dugsigii sare markii aan u gudbay, waxaan ku biiray dugsiga 26 Juun, waxaanan ka mid noqday kooxdii dugsigaas, iyadoo aanu sannadkii 1980-kii kooxdaas Iskuulka 26 Juun ee aan ka midka ahaa aanu ku guulaysanay koobkii tartankii dugsiyada sare loo qabtay.

S: Goorma ayay ahayd markii kuugu ee aad ku biirtay xulkii Gobolka Waqooyi-galbeed?

J: Waxaan ku biiray markii iigu horeysay xulka Gobolka sannadkii 1980-kii, laakiin waxa jirta sannadka ugu horeysa khibrad ahaan ayaad kooxda ula soconaysaa oo ciyaaraha kama qayb-galaysid, sidaa darteed kooxda waan la socday is-aragii hore iyo kii dambe ee Muqdisho lagu qabtayba. Laakiin kooxda ka mid baan ahaa.

S: Markii aad sannadkii khibradda dhammaysatay, ma ka qayb-qaadatay tartankii kaa xigay?

J: Haa, waan qayb-qaatay tartankaa oo lagu qabtay magaalada Burco sannadkii 1981-kii oo ahaa is-aragii hore oo ay ka soo qayb-galeen afar kooxood oo kala metelayay afar gobol oo kala ahaa; Ceerigaabo, Boosaaso, Burco iyo Hargeysa. Ciyaartii ugu horeysayna waxaanu la ciyaarnay Ceerigaabo oo aanu kaga badinay 2-0, ciyaartii labaadna Boosaaso oo iyadana aanu kaga badinay natiijadii oo kale 2-0. Ciyaartii saddexaad waxaanu la ciyaarnay kooxda xulka Burco oo aanu barbardhac ku kala tagnay, halkaasna aanu ugu gudubnay is-aragii labaad ee Muqdisho lagu qabanayay.

La soco cadadka dambe qayb ka mid ah wareysigan Kooxda Gaashaan Oo ku Guulaysatay Koobkii Tartankii Lagu Xusayay Marxuum Faysal C/raxmaan.

Top


Kooxda kubadda Koleyga ee Ciidanka Qaranka (Gaashaan)

Hargeysa (Haatuf) – Kooxda kubadda Koleyga ee Ciidanka Qaranka (Gaashaan), ayaa ku guulaysatay Koobkii Tartan lagu xusayay Marxuum Faysal C/raxmaan C/laahi (Faysal dheere) oo dorraad Jimcihii lagu soo geba-gebeeyay Garoonka Kubadda Koleyga ee Timacade ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay kaga guulaysteen 56-52 kooxda Dawladda Hoose oo ay ciyaartii kama-dambaysta ahayd isugu soo hadheen.

Ciyaartan kama-dambaysta tartankan oo ahayd ciyaar heerkeedu aad u sareeyo oo ay labada kooxood-ba soo bandhigeen ciyaar wanaag, isla markaana ay dhibcaha labada kooxood had iyo goor ay isku dhawaayeen, taas oo keentay in dhibcaha lagu kala badiyay noqdaan afar dhibcood oo keliya.

Ciyaartan oo ay ka soo qayb-galeen dadweyne aad u tira-badan oo badiba buuxiyay kaabadaha ama tarabuunka garoonka Tima-cadde, Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Wasaarada Gaashaandhigga iyo D/Hoose ee Hargeysa.

Geba-gebadiina waxa kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka halkaa lagu gudoonsiiyay Koobkii tartanka, halka kooxda D/Hoose la siiyay koob kaalinta labaad loogu talo galay.

Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Axmed Maxamed Shire (Sacad), ayaa gudoonsiiyay koobabka labada kabtan ee labada kooxood ee kaalinta 1aad iyo 2aad ku kala guulaystay iyo bilad Akhlaaqad wanaag ah oo la siiyay ciyaartoygii ugu akhlaaqda wanaagsanaa tartanka oo ahaa ciyaartoy ka tirsan kooxda Haatuf , Maxamed Axmed Muxumed (Qaniisane), waxaana dhammaan abaalmarinada halkaa lagu bixiyay ku deeqday Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Tartanka kubada Koleyga oo lagu xusayay Marxuum Faysal C/raxmaan C/laahi (Faysal Dheere), waxa uu bilaabmay 15-kii bishii July ee sannadkan, waxaana ka qaybqaatay oo ku tartamayay lix kooxood oo ka mid ah kooxaha kubadda koleyga ee ka dhisan magaalada Hargeysa, iyadoo loo qaybiyay laba qaybood (Groups) A iyo B oo ay ugu kala jireen sidan: Group A: D/Hoose, Wasaarada Maaliyadda iyo Sacaadadiin. Group B: Haatuf, Al-Aqsa iyo Gaashaan, taas oo ay ugu dambayntii finalka isugu yimaadeen labadan kooxood ee gaashaan iyo D/hoose. Tartankan, waxa soo qabanqaabiyay Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha ee Somaliland, waxaana loogu talo-galay Xuska Marxuumka oo ka mid ahaa ciyaartoydii kubadaha gacmaha ee magaalada Hargeysa, Alla ha u naxariisee, Faysal C/raxmaan C/laahi (Faysal Dheere).

Top