Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 389 August 4, 2003

Dawladda Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Mawqifka Cusub Ee Shir-Gudoonka Shirka Kenya Iyo Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf; “Wixii Arrintaa Ka Yimaadda Uma Dul-Qaadan Doono,” Madaxtooyada Somaliland.

Mudanayaasha Beesha Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland Oo Jawaab ka Bixiyey Fara-Gelinta maamulka C/laahi Yuusuf.

“Dhaqaalaha Yar Ee Dalka Ka Soo Baxa Haddii Si Fiican Loo Maamulo Inta Badan Baahida Dalka Wuu Dabooli Karaa,” Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida Somaliland.

“Qofka Hanti Qaranku Leeyahay Iska Qaatay Wax Cashuur Ah Kama Qaadno, Waayo...” Maayor-Xigeenka Burco oo ka waramay xaaladda Dhulka.

“Qaybe Mawqif Cad Ha Iska Taago Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf,” Faysal Cali Waraabe.

Kumuu Ahaa Faarax Oomaar, Qore: Maxamed Jaamac Cali (Faroole), Q: 2aad.

52 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Pakistan

Ururka Al-Qaeda Oo Digniin Cusub U Diray Dawladda Maraykanka

Madaxweynaha Liberia Taylor Oo Ogolaaday Inuu Xukunka Ka Dego

Sidee Loo Aasay Meydadkii Wiilashii Sadaan Xuseen Cudey Iyo Qusey

Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka; Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray A. Ducaale, Q; 3aad.

Werwer Aduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah: Waxa Qoray; Cumar Cali Iidle, Q: 6aad.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Bahal Ceydhin Ma Daayo, Nin-Na Caadadii Ma Baajo.

Madaxweyne Sidii Laguugu Lisay, Uma Hambayn.

WAADIGA CIYAARAHA, Qore: C/Fataax M. Caydiid.


 


Dawladda Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Mawqifka Cusub Ee Shir-Gudoonka Shirka Kenya Iyo Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf; “Wixii Arrintaa Ka Yimaadda Uma Dul-Qaadan Doono,” Madaxtooyada Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadaladii u dambeeyey ee ka soo yeedhay gudoomiyaha guddida farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Nairobi.

Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay madaxtooyada Somaliland waxay kula taliyeen Kipligat inaanu shirkaa ku burburin riyadii shirarkii hore ee dhaqan geli waayey, kuwaas oo loogu maydhax diiranayey in Somaliland shirka loogu yeedho, halkii laga heshiisiin lahaa dadka is-laynaya ee dhibaatadooda loo xalilayo, isla markaana waxa warsaxaafadeedka lagu cadeeyey inaanay Somaliland diyaar u ahayn, isla markaana aanay soo dhaweynayn wefti ka socda IGAD oo yimaada Somaliland.

Warsaxaafadeedkaa waxa kale oo lagu sheegay mawqifka Somaliland ee ku waajahan shirkaa iyo fara-gelinta u C/laahi Yuusuf ku hayo Somaliland.

Warsaxaafadeedkaa oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland waxa uu u qornaa sidan: “La yaab ayey ku noqotay dawladda Somaliland warka ka soo yeedhay gudoomiyaha guddida farsamada IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Nairobi Kipligat ee sheegaya midnimo muqadas ah, iyo inuu wefti u soo dirayo Somaliland, waxayna xukuumadda Somaliland u aragtaa arrin gef ku ah jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland sidii ay marar hore oo badan ugu cadaysay wadamada ku bahoobay ururka IGAD iyo beesha caalamkaba waxay u aragtaa shirka ka socda Imbagati mid aan khusayn Somaliland.

Waxaanu mar kale ku celinaynaa in Somaliland wixii sharci ahaa ee dawladnimadeeda u jidaynayey ay u dhan yihiin sida xuduudaheeda oo ay ka dhaxashay gumaysigii Ingiriiska, kuwaasi oo u aqoonsan yahay axdiga midawga Afrika iyo qaramada midoobay, sidaa darteed aan lagu dhex mili karin xuduudaha dhulkii u Soomaali Talyaanigu ka gumaysan jiray, oo magacoodu ahaa Soomaaliya.

Waxaanu Kipligat kula talinaynaa inaanu shirka ku burburin riyadii shirarkii hore ee ay waxba uga dhaqan geli waayeen, ee loogu maydhax diiranayey Somaliland, shirka ha loogu yeedho, halkii lagu heshiisiin lahaa dadka is-laynaya ee Soomaaliya dhibaatadoodana loogu xalin lahaa.

Warka kale ee sheegaya Somaliland wefti loo soo dirayo si ay shirka uga qayb gasho, waxaanu u cadaynaynaa ururka IGAD iyo cida kale ee shirkaas waddaba, inaanay Somaliland soo dhaweynaynin wefi noocaas ah oo dalkeeda yimaada, sababta oo ah waa wax aan xaq loogu lahayn, oo xad-gudub ku ah jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Wararka soo yeedhaya C/laahi Yuusuf waxaanu u aragnaa xad-gudub iyo fara-gelin ku waajahan Somaliland, sidaa awgeed C/laahi Yuusuf waxaanu uga digaynaa fara-gelinta joogtada ah ee uu ku hayo Somaliland, waxaananu u sheegaynaa in uu deg deg faraha ugala baxo arrimaha Somaliland, haddii uu taa yeeli waayana isaga ayaa masuul ka noqon doona wixii dhibaato ka yimaada, umana dul-qaadan doonto dawladda Somaliland inuu haddidaad ku sameeyo shacbiga ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeedka Madaxtooyadda.

Top


“Dhaqaalaha Yar Ee Dalka Ka Soo Baxa Haddii Si Fiican Loo Maamulo Inta Badan Baahida Dalka Wuu Dabooli Karaa,” Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Golaha guurtida ayaa fadhigii shalay laga akhriyey talooyin ay soo jeediyeen guddiga dhaqaalaha ee golahaasi, taas oo lagaga hadlay dhaqaale xumada dalka ka jirta iyo sidii looga kaban lahaa, isla markaana meel la iskugu geyn lahaa cashuuraha dalka oo dhan iyo cashuuraha sharcigu waajibiyey sidii loo wada bixin lahaa.

Talo soo jeedintaa golaha laga akhriyey waxa kale oo lagu sheegay dhaqaalaha inaga soo gala dalalka aynu jaarka nahay iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa, waxa kale oo lagu xusay shaqaalaha ajanabiga ah, ee ay hay’aduhu keenaan dalka, iyada oo ay muwaadiniintii aqoonta u lahayd shaqooyinkaasi ay dalka ku shaqo la’yihiin, waxa kale oo warbixinta lagaga hadlay musuq-maasuqa ragaadiyey dhaqaalaha yar ee dalka iyo sixir bararka naafeeyey dadka danyarta ah.

Talo soo jeedintan waxa lagu sheegay in loo baahan yahay siyaasad dhaqaale, taas oo shuruucdeeda iyo qorshaheeda wadata, lana qiyaasi karo ku talo-galka sidii nolosha dadkeenu kor ugu kici lahayd, iyada oo aan marnaba qorshaha lagu darsan mucaawino aynu meel kale ka helno, taas oo ay ka wanaagsan tahay inaynu habaysano waxa aynu haysano, waxayna guddidu ku hambalyeeyeen wasiirka ganacsiga iyo wershadaha labadii sharci ee dhawaan laga ansixiyey golaha wasiiradda, kuwaas oo kala ahaa, xadaynta ganacsiga iyo maal-gelinta shisheeyaha.

Guddidu waxay ku sheegeen qoraalkooda, iyaga oo ka hadlay cashuuraha dalka in loo baahan yahay in cashuuraha oo dhan dawladdu ururiso, si taa loo helana waa in maamulka dawliga ahi dalka oo dhan wada gaadhaa, isla markaana waxay sheegeen inay lagama maar-maan tahay in cashuuraha sharcigu waajibiyey oo dhan cida ay khusayso laga qaado, waxayna tusaale u soo qaateen cashuurta loo yaqaano macaash-macaash-ka oo loo baahan yahay marka ay bixiyaan dadka ay ku waajibtay in kuwa liita wax loogu qabto.

Guddidu iyaga oo ka hadlay dhaqaalaha inaga soo gala dalalka aynu jaarka nahay iyo sida looga faa’iidaysan karo, waxay tusaale u soo qaateen dalka Itoobiya, waxayna talo ahaan u soo jeediyeen in labada dal wada gaadhaan heshiis habaysan, kaas oo wax weyn ka taraya ilaha dhaqaalaha dalkeena ugu muhiimsan, in si dhakhso ah heshiis loogu dhameeyo, heshiiskaas oo lagu qeexayo sida aynu kheyraadka labada dal isugu bedelan lahayn, sida qaadka, kaluunka, milixda iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay.

Waxa kale oo ay guddidu ka hadleen shaqaalaha ajanabiga ah ee ay hay’aduhu dalka keenaan, waxayna sheegeen in hay’adaha dalka joogaa keeneen shaqaale shisheeye, iyada oo ay boqolaal aqoonyahan muwaadiniin ahi dalka ku shaqo la’yihiin, kuwaas oo dhaqaale lagu qiyaasay 9-milyan oo dollar ka shaqaysta Somaliland sanad kasta, waxayna talo ahaan u soo jeediyeen in hay’adaha ay arrintani khusayso iyo wasaaradaha arrimaha dibadda, qorshaynta iyo laanta socdaalka ee Somaliland-ba ay ka fiirsadaan gelitaanka dadka shisheeye ee dalkeena soo galaya, taas oo fududaynaysa in la ogaado dadka ajaanibka ah ee dalka ka shaqeeya.

Guddidu mar ay ka hadlayeen musuq-maasuqa ragaadiyey ilaha dakhliga dhaqaalaha Somaliland waxay yidhaahdeen “Waxa la rumaysan yahay in dhaqaalaha yar ee dalka ka soo baxaa, haddii si fiican oo nadiif ah loo maamulo uu inta badan baahida dalka dabooli karo, waxaase nasiib darro inagu ah, in musuq-maasuq ha kala badnaadee uu meel kasta inaga galay, waxaynu la soconaa in musuq-maasuqu meelaha uu dalka ka naafeeyey ay ugu weyntahay dhinaca ciidamada, gaar ahaan ciidanka milatariga iyo booliska, oo aynu ka warqabno in ka badan kala badh miisaaniyada dalku ku shaqeeyo ay ku baxdo ciidamada, taas oo aan ka muuqan ama aan gaadhin ciidamadii loogu talo-galay, iyada oo in ka badan 20,000 oo askari raashin iyo mushahar ugu qoranyahay miisaaniyadda dalka, kuwaas oo ay ku baxdo lacag lagu qiyaasay 140,000 US$, waxaana hubaal ah in haddii loo tiriyo si sugan aanay jirin tiradaa ciidan ee mushahar iyo raashin-ba ku qorani, sidaa awgeed waxaanu talo ku soo jeedinaynaa in guddi qaran oo ay guurtidu ka mid tahay la sameeyo, kuwaas oo tirada ciidanka si dhab ah u sugaya, meel kasta dalka ha joogeene.

Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in darajooyinka ciidanka la sameeyo, taas oo wax ka taraysa tiradooda, waxaananu qabnaa inaan musuq-maasuqa jira laga adkaan karin haddii aan marka hore la sixin, oo aan laga bilaabin musuq-maasuqa foosha xun ee ka jira ciidamadeena dhexdooda”.

Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladu waxa kale oo ay ka hadleen sixir bararka kor u sii socda ee naafeeyey dadka danyarta ah, waxayna sheegeen in sixir bararku kor u kiciyo badeecadaha ay dadku u baahan yihiin, taasoo sababta inaanay dadweynaha badankoodu awoodi karin inay wax iibsadaan, iyada oo dhaqaalahoodu markii horeba yaraa, waxayna yidhaahdeen “Baanku inuu wax qabto ayaa loo baahan yahay, si dhab ahna u hawlgalo, si uu u hakiyo sarif bararka”.

Guddidu waxa kale oo ay ka hadleen lacagaha ay dadka qurba jooga Somaliland u soo diraan ehelooyinkooda dalka ku sugan, waxaanay yidhaahdeen “dhamaanteen waxaynu ku nool nahay lacagta adag ee faraha badan ee dadkeena qurbaha ku nooli ehelkooda u soo diraan, nasiib darro’se boqolaalka kun ee dollar ee xuduudaha aynu Itoobiya la leenahay ayaa ka mid ah tan dalka dibadiisa inaga soo gasha”. Waxayna sheegeen in lo baahanyahay sidii loogu dhiiri-gelin lahaa dadka qurbaha ku nool, inay kordhiyaan lacagaha ay soo diraan, iyagana tix-gelin gaar ah la siiyo, oo ay ka mid tahay in laga yareeyo cashuuraha waxyaabaha dhaqaalaha inaga kabi kara, sida wershadaha iwm.
“Maadaama sharcigii maal-gelinta dalka ansixiyeen golaha wasiiraddu, ku talo galkuna yahay in si dhakhso ah baarlamaanku u sii daayo, waxa inoo diyaara fursadii maal-gelinta shisheeye iyo sokeeyaba,” ayey ku soo gaba-gabeeyeen tala soo jeedintooda.

Dhinaca kale ka hor intii aan golaha laga akhriyin talo soo jeedintan guddida dhaqaalaha, waxa madasha hadal kooban ka jeediyey mudane C/Salaan oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida kaga jira gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanka Badhan, wuxuuna ka hadlay fara-gelinta maamulka Puntland iyo ciidankiisu ku hayaan deegaanadaa, isla markaana Mudane C/Salaan wuxuu tusaale u soo qaatay gaadhi dhawaan lagu af-duubay degmada Dhahar oo laga leeyahay deegaanka Ceel-Afweyn.

Mudanuhu waxa uu sheegay in gaadhiga uu gacanta ku dhigay C/laahi Cartan oo ka mid ah odayaasha deegaanka Dhahar, laakiin ay dad ka soo jeeda deegaankii gaadhiga laga lahaa ay tageen goobtii, taasuna ay keentay inay ciidan ka tirsan Puntland iyo ciidan ka socday deegaanka gaadhiga laga leeyahay ku kulmaan goobtaa, iyaga oo hubka isku haysta, wuxuuna u soo jeediyey odayaasha guurtida oo aqoon u leh odaygan arrinta ku jiray inay ku taageeraan sidii uu xalin lahaa khilaafkan ka hor inta aanay rabshadu gaadhin gacan ka hadal.

Mudane C/Salaan isaga oo ka hadlaya fara-gelintaa ciidamada Puntland iyo maamulkoodu ay ku hayaan gobolada Sool iyo Sanaag bari waxa uu yidhi “Waa in mudanayaashayada deegaamadaa kaga jira golayaasha ee Qaybe noogu weyn yahay, aanu is cadayno, waayo haddii aanay taageero ka haysan raggayagan kumay soo dhiiradeen fara-gelinta deegaamadayada ka tirsan Somaliland”.

Mudanuhu waxa kale oo uu ka hadlay nin uu sheegay inuu ka tirsan yahay deegaanka uu ka soo jeedo, oo si sharci darro ah ugu xidhan magaalada Hargeysa, ninkaas oo uu sheegay inuu ka yimid dalka Maraykanka, isla markaana xadhigiisa lagu sababeeyey arrin hore loo dhameeyey oo ka dhacday dalka Maraykanka, taas oo u dhaxaysay ninkaa la xidhay iyo nin kale oo ka soo jeeda deegaanka Boorama, laakiin ay nasiib darro tahay in arrintaa oo hore u dhamaatay, in mar kale iyada oo la adeegsanayo awoodda maamulka hatigaad iyo xadhig loogu geysto ninkaa.

Top


Mudanayaasha Beesha Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland Oo Jawaab ka Bixiyey Fara-Gelinta maamulka C/laahi Yuusuf.


Mudanayaasha Beesha Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland Oo Jawaab ka Bixiyey Fara-Gelinta maamulka C/laahi Yuusuf.

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland ayaa cambaareeyey fara-gelinta iyo saamaynta maamulka C/laahi Yuusuf ku leeyahay deegamadooda, iyada oo uu C/laahi Yuusuf dhawaan ku dhawaaqay gobol uu ugu yeedhay Cayn oo ay magaalo madax u tahay magaalada Buuhoodle oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer.
Mudanayaashani waxay sidaa ku sheegeen qoraal ay shalay soo saareen, qoraalkaas oo ay ku saxeexan yihiin 20 mudane oo ka kala tirsan guurtida iyo wakiiladda waxa uu dhignaa sidan:

“Sida laga war-qabo waxa dhawaan Idaacadda BBC-da iyo Internet-kaba laga sii daayey war uu maamulka Majeerteeniya ku sheegay inay Degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ee J. Somaliland tahay gobol ka tirsan maamulka Majeerteeniya, taas oo ah wax lagu qoslo iyo arrin daan-daansi ah, waxaananu u aragnaa arrintaa ay baarlamaanka Majeerteeniya ku kaceen islaantii xaabadda qaadi weyday ee dameerkeedii jarka ka tuurtay.

Haddaba, iyaga oo ka faa’iidaysana nabadgelyo jacaylka Somaliland waxay qaadeen saddex talaabo oo cadaawad leh, oo ay ugu soo gudbeen gudaha Somaliland, saddexdaa talaabana waxay kala yihiin: weerarkii madaxweynaha, ciidamo ay ku soo gureen gudaha Somaliland iyo ugu dambayn gobolka ay Cayn ula baxeen oo ah inay sheegtaan baarlamaan ku sheegoodu dhul ka mid ah Somaliland. Laakiin waxaanu u sheegaynaa maamulka Majeerteeniya inay u diyaar garoobaan, dhabarkana u ritaan wax alaale iyo wixii ka dhaca falalka argagixisada ah ee ay ka wadaan gudaha Somaliland.

Ugu dambayn waxaanu beesha caalamka, midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, midawga Yurub iyo dhamaan cidii kale ee danaynaysa geeska Afrika u sheegaynaa in arrimahaas wixii ka dhaca ay masuuliyadooda leeyihiin maamulka Majeerteeniya, iyaga oo caadaystay inay nabadda iyo horumarka Somaliland khal-khal geliyaan.

Somaliland waa dal, dhul iyo dadka, caalamkuna uu ogyahay xadkeeda dhuleed, badeed iyo hawadeedaba, ciddii soo fara-gelisaana way ku guban doontaa.

Waxaanu C/laahi Yuusuf u sheegaynaa inta uu Buuhoodle iyo Caynaba ku riyoonayo inuu maamulkiisa gaadhsiiyo Badhaxle oo ah xaafad Gaal-kacayo ka tirsan, waxaananu ugu baaqaynaa xukuumadda, golayaasha, axsaabta siyaasiga ah iyo dhamaan shacbiga Somaliland inay si deg deg ah heegan u galaan, jawaab deg deg ah oo gacan ahna ka bixiyaan arrintan, isla markaana haddii uu C/laahi Yuusuf dhibaatada ka deyn waayo Sool iyo Buuhoodle meel aanu hadda filayn ayey ka dhici doontaa” ayey hadalkooda ku soo xidheen mudanayaashani, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

Cumar Faarax Budeeye
C/Qaadir Maxamed Xasan
C/Rashiid Sh. C/Laahi
Axmed Xasan Saalax
Cali Cumar Axmed
Cawil C/Laahi Caydiid
Maxamed Warsame Cali
Muuse Ciise Faarax
Cabdi X. Faarax
Cismaan Cali Cabdi
Maxamed Yuusuf Cabdi
Maxamed Jaamac Cabdi
Yaasiin Ismaaciil Cali
Maxamed Axmed Dhakool
Cali Ismaaciil Cali
C/Qaadir Jaamac Cilmi
Cismaan Xuseen Gurxan
C/Waaxid C/Qaadir C/Raxmaan
Maxamed Xirsi Jaamac
Cabdi Warsame Xayir

Top


“Qofka Hanti Qaranku Leeyahay Iska Qaatay Wax Cashuur Ah Kama Qaadno, Waayo...” Maayor-Xigeenka Burco oo ka waramay xaaladda Dhulka.
 

Burco (Haatuf): Waxa guud ahaan magaalooyinka dalka, gaar ahaan kuwa waaweyn sannadihii u dambeeyey hadheeyey mashaakil dhinaca dhulka ah, kaas oo abuura iska hor-imaadyo sababa dhimasho iyo dhaawac, dhibaatadaasina waxay ka dhalatay dhul-boob laxaad leh oo ay caado ka dhigteen shabakado isku xidhan oo ka soo kala soo jeeda dhinacyo kala duwan oo isugu jira kooxo dadweyne iyo kooxo ka soo jeeda maamulada dawladda.

Magaalada Burco waxay ka mid ahayd meelaha uu sida weyn u sameeyey murugga dhul-boobku, taas oo ay marar badan ka dhaceen iska hor-imaadyo ay dad ku dhinteen, dadna ku dhaawacmeen, isla markaana waxa uu barnaamijka dhul-boobku galaaftay dhul badan oo dan-guud ah, taas oo ay dad gaar ahi mulkiyeen, laakiin su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay golaha degaanka ee dhowaan la doortay wax ma ka bedeleen xaaladda dhulka, mise waxba kama bedelin.

Ducaale oo dhowaan booqday ayaa ka waramaya sida ay hadda tahay xaaladda dhulka ee Burco, wuxuuna noo diyaariyey warbixin arintaa ku saabsan.

“Marka la eego ilaa tobankii sannadood ee u dambeeyey marar badan oo aan booqday magaalada Burco inta aanay ishaydu wax kale qaban waxa ugu horeeya ee ay ishaydu ku dhici jirtay waxa uu ahaa dhacdo murugo leh oo dhinaca dhulka ah, taas oo ugu yaraan ah iska hor-imaad laba kooxood oo qoryo isu lalanaysanaya ama ay wax iskaga dhinteen, ama hadii kale waxa koone walba kaaga soo bixi jiray sawaxan iyo buuq kulul oo la xidhiidha muran dhul, laakiin socdaal ilaa qaatay muddo saddex toddobaad ka badan oo aan magaaladaa ku joogay bishii ina dhaaftay waxaad moodaysay inay xaaladda dhulku ka duwan tahay sidii aan xiliyada qaar ku arki jiray, waayo mudada intaa le’eg weli ishaydu ma qaban iska hor-imaad ama muusanow ba’an oo ka soo yeedhaya dhinaca dhulka, taasina waxay iigu muuqatay inay ammuurta dhulku hadda yara jimcoon tahay, laakiin taa macneheedu ma aha inay mushkiladdu suushay, waxayse iswaydiintu suurad caynkee ah ayey leedahay xaaladda dhulka Burco?

Maayarka magaalada Burco, Maxamed Diiriye Xayd oo aan markaa la yeeshay waraysi la xidhiidha xaaladaha maamul ee magaaladiisa ayaa ku faanay inay ilaa xad damiyeen qalalaasihii dhinaca dhulka ee magaalada ka oognaan jiray, isla markaana ay xakameeyeen dhibaatadii dhul-boobka ee xaamiga ahaan jirtay. Laakiin maayar-xigeenka Burco, C/risaaq Maxamed Toor, ayaan tafaasiil dheeraad ah ka waydiiyey dhulka arimihiisa, taas oo aan waydiiyey sida ay hadda tahay xaaladda dhulku tahay iyo sida ay wax uga qabteen, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Horta mushkiladda dhulku way yaraatay, haddana ma jirto wax dhibaato ah oo taagan”, laakiin maayar xigeenka mar aan weydiiyey sida ay mushkiladda dhulka u yareeyeen wuxu ku jawaabay “Waxaan odhan karaa saddex arrimood ayaa ugu wacan inay mushkiladda dhulku yaraato, kuwaas oo aanu saldhig uga dhignay yaraynteeda, ta koowaad waxay tahay inaanay mushkiladu xagga xafiisyadayada ka tagin, ta labaad inaanu toosino oo aanu qorshe ay ku shaqeeyaan u samayno cida hawsha dhulka gacanta ku haysa ee shaqaalaha dawladda hoose, ta saddexaad waxaanu meesha ka saarnay fara-farayntii iyo bixinta dhulka danta guud, dabadeedna markii ay saddexdaa arrimood meesha ka baxeen, waxa soo hadhay shaqadii caadiga ahayd ee dhulka, taasna qorshe ayaanu u samaynay, qorshahaas oo laba weji ah, ka horena waa in cid anaga naga mid ahi ay istaagto meesha uu qofku sheeganayo oo aanu xaqiijino, iyo ta labaad oo ah, inay mulkiyaddu ku baxdo ama lagu siiyo damaanad, si haddii uu dambi u dhaco uu dambigu u yeesho cid loo raaco”.

Maayar xigeenka isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd “Ma waxaad aaminsantahay ama aad leedahay waanu ka guulaysanay mushkiladdii dhulka” waxa uu ku jawaabay “Waxaan odhan karaa qayb ahaan haa, waayo mar haddii ay arrintu maanta ku kooban tahay in dhulka danta guudna faraha laga qaado, qofka iyo dhulkiisana aanu isla hubino, waxaan odhan karaa waanu ka guulaysanay qayb ahaan, laakiin haddana dhibaato la waayi maayo, oo inta aadame nool yahay way sii jiraysaa, sida mid mid kale meeshiisa ku qabsada, laba isku durka, mid dilaal doonaya iyo wixii la mid ah”.

Sidoo kale maayar xigeenku isaga oo ka jawaabay su’aal ahayd “Meelaha la isku haysto sidee baad uga gar-naqdaan” wuxuu ku jawaabay “Waxaanu samaynaa laba qodob, ta hore labada qof ee meesha isku haysta ayaanu u yeedhnaa, oo aanu mid walba weydiinaa sharcigiisa, markaa haddii uu mid gar-darro indho la’aan ah ku socdo waanu ka qabanaa, balse haddii ay noqoto muran aanu dhinacna haysan marag cad iyo waraaqo cadayna waxaanu u gudbinaa maxkamadaha”.

Marka laga yimaado dhulka lagu muransanyahay ama meelaha banaan ee ay cidi sheeganayso, waxa kale oo jira dhul dan guud ah oo mar hore la qaatay, lagana dhistay daaro cad cad, sidoo kale waxa jira guryo ay dawladdu lahayd oo inta la dhalan rogay ay cid gaar ahi iska qaadatay, sidaa darteed maayar xigeenka waxan weydiiyey su’aal ah “Dhulka danta guud ee hore loo qaatay lana dhistay, waa maxay istiraatiijiyada idiinka meel taal?”, wuxuuna ku jawaabay “Taasi laba nooc weeye, ta hore waa qof u badheedhay inuu qaato hanti qaranku leeyahay, oo ay cidi waraaqo u siisay danta ay doonto ha ka lahaatee, midna waxa weeye qof si sharci darro ah u qaatay dhul banaan oo dan guud ah, sidaa awgeed qofka dhul dan guud ah si sharci darro ah u qaatay, arrintiisa talo iyo dib u eegis ayaanu ka samaynaynaa, waayo wixii badbaadi karaya inaanu badbaadino xil baa naga saaran, ta labaad ninka meel dan guud ah ee dhistay, sida Iskuul, ceel, guri dawladeed iwm, arrintiisu waa taagan, ilaa talaabo kama dambays ah oo qaran loo helayo, anaguna meel dan guud ah ama guri dawladeed oo sharci darro lagu qaatay ama lagu dhistay, wax cashuur ah kama qaadno, waayo uma aqoonsanin hanti uu qof leeyahay, ee waxaanu u aragnaa hanti umadeed oo si aan xalaal ahayn qof u qaatay, marna ma dhacayso inuu qofku iska qaato hanti umadu leedahay cidii doontaaba waraaqo ha u samaysee”.

Top


“Qaybe Mawqif Cad Ha Iska Taago Faragelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf,” Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ugu baaqay inuu mawqif cad iska taago, fara-gelinta maamulka C/laahi Yuusuf ee deegaamada beesha Sool, isla markaana uu ka hawlgalo sidii uu uga hortegi lahaa dhibaato arrintaa ka timaada.

Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay fiidkii na soo gaadhsiiyey, wuxuuna Faysal hadalkiisa ku bilaabay:

“Ilaa iyo intii uu mudane Qaybe noqday gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland waxa soo noqnoqanayey faragelin uu maamulka C/laahi Yuusuf ku hayo degaamada beesha Sool, iyadoo ay mar walba gacan siinayaan dad ka soo jeeda beeshaa. Laakiin waxa la yaab leh, iyadoo uu jagada ugu saraysa ee baarlamaanka Somaliland hayo nin u dhashay beesha Sool oo ah Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) inaanu mar qudha difaacin xuquuqda dalka uu metelayo, iyadoo ay markii horena fartu ku godnayd mawqifkiisa Somaliland, markaa aamuskiisu wuxuu dhaliyey shaki weyn.

Sidaa awgeed haddii aanu xisbiga UCID nahay waxaanu ku boorinaynaa ama ugu baaqaynaa gudoomiyaha wakiiladda inuu arrintan mawqif cad iska taago, kana hawlgalo sidii aanu deegaamadaa maamulka C/laahi Yuusuf u qasin nabadgelyadiisa, isla markaana aanu dagaal sokeeye ugu hor-seedin”.

Top


Kumuu Ahaa Faarax Oomaar, Qore: Maxamed Jaamac Cali (Faroole), Q: 2aad.

Waxa mudan in la tilmaamo shirqool caan noqday oo ahaa qoraal been abuur ah oo ay sameeyeen karaanigii xafiiska Faarax Oomaar iyo rag kale oo ka mid ahaa madaxdii Soomaalida ee ciidamada Ingiriska la shaqaynaysay sannadkii 1911. Nimankaasi waxay qoreen waraaq ay ka dhigeen inay ku socoto Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo xilligaas dagaal kulul kula jiray gumeysigii Ingriiska. Waraaqdan oo wadatay shaabaddii iyo saxeexii Faarax Oomaar, waxa loo dhiibay askari Somali ah oo kooxda shirqoolka waday ay sii qorsheeyeen jidka uu marayo iyo xilliga uu baxayo. Ka dib waxa la sii dhigay ciidamo jid-gooyo ah tuulada la yidhaaho Ina Af-madoobe, halkaasoo lagu qabtay askarigii iyo warqaddii uu sidayba. Markii warqaddii loo geeyey DCgii xukumayay magaalada Burco, waxa uu isla markiiba shaqadii ciidamada dawladda Ingriiska laga eryeyey Faarax Oomaar oo markaa derejo sare oo ciidan lahaa. In kasta oo Faarax laga eryay shaqadii haddana ma noqon mid ka joojisa halgankii uu kula jiray gummaystaha, wuxuuna fagaarayaasha kala hadli jirey dadka, isagoo ka dhaadhicinaya waxyeelada Ingiriiska iyo xukunkiisa, fartana ugu fiiqaya isku dirka iyo iska horkeenka qabaa’ilka Soomaalida (Divide and Rule), taasoo ahayd tiir dhexaadkii siyaasaddii gumeysigii Ingiriiska.

Inkastoo garaadka siyaasiga ee dadku uu hooseeyey oo aanu Faarax ka helin gacan fiican, haddana waxaa u suurto gashay inuu sii wato halgankii uu ku jirey. Isagoo isticmaalaya hal-ku -dhigyadiisii ay ka mid ahaayeen:

INGIRISKU WAXA UU XUQUUQDA BINU-AADAMKA KAGA YIMAADDAA XAFIISKA LA YIDHAAHDO COLONIAL OFFICE EE LONDON KU YAAL.

Faarax Oomaar markii uu muddo joogay dalka oo uu intaa waday baraarujin iyo hoga tusaaleyn ayaa waxa uu ka helay deeq waxbarasho (Scholarship) jaamacad ku taalla India oo la yidhaaho Aligar University halkaas oo uu ku bartay cilmiga shuruucda (law).

Barashadii cilmiga qaanuunku waxay u noqotay Faarax Oomar furihii ugu weynaa ee uu u furay jidkii uu u mari lahaa halgankiisa gobonimo-doonka ah ee siyaasiga ah, waxayna u noqotay hub uu kula dagaalamo gumaysigii Ingiriska ee haystay dalka.

Intii uu Hindiya waxbarashada u joogay, ayaa waxa uu Faarax la kulmay macallimiin waaweyn oo jaamacaddiisa wax ka dhigi jirtey, kuwaas oo uu ka dhegeystay casharro ka hadlayey dhibaatooyinkii gumaystuhu ku hayey dadyowgii ku noolaa Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ee la gumaysan jiray. Waxaa kale oo xilligaa uu India joogay u suurto gashay in uu la kulmo dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ee Hindiya oo ay hogaaminayeen Mahatama Gandi, Juwahaaralal Nehru iyo Maxamad Cali Jinaax. Waxa Faarax Oomaar uu saaxiibtinimo dhow la samaystay geesigii weynaa ee Mahatama Gaandi oo markaa waday halgankiisii lagu yaqaanany gacan- ka-hadal la’aanta (non-violent). Fikraddaas oo uu Faarax Oomaar aad ugu bogay ayaa sal u noqotay halgankiisii. Wuxuu kaloo uu xidhiidh la yeeshay raggii la odhan jiray (rijaalul nahda) ee hogaaminayey halganadii gobonimo doonka ahaa ee ka socday dalalka carabta. Ragga uu xidhiidhka la samysatay waxa ka mid ahaa:

1. Jamaludiin Afgaani
2. Maxamed Cabdalla
3 . Mustafa Kamaal
4. Shakib Aslaam
5. Sacad Saqluul
6. Iyo Maasiini

Kuwaas oo dhamaantood uu ka soo dab qaatay una suurto geliyey inuu halgankiisii dhidibada u sii adkeeyo.

SOO NOQOSHADII FAARAX OOMAAR EE DALKA.

Markii uu waxbarshadiisa jamacadeed soo dhamaystay ayuu Faarax Oomar dalkiisii hooyo dib ugu soo laabtay. Madaxdii Ingiriiska ee Somaliland kumay farxin imaatinkii Faarax, waxayna u arkeen inuu shidayo dab ka daran kii Ina Cabdule Xasan. Sidii la filiyey waxa uu Faarax markiiba bilaabay halgan siyaasadeed oo ba’an isagoo isticmaalaya aqoontii sharciga ee uu soo bartay. Nimankii maamulayaasha ahaa markii ay arkeen tabaha cusub ee uu wato ayey go’aan ku gaadheen inaan Oomaar la fogeyn ee uu ka shaqeeyo xafiiska DC-ga ee Burco. Faarax oo fahmay shirqoolkaa aamusiinta ah ayaa doorbiday inuu ka shaqeeyo xafiiska dacwadaha si uu ula socdo xadgudubayada dadkiisa lagu hayo. Hase yeeshee markii uu u adkaysan waayay cadaadintii madaxda Ingiriiska ku hayeen, ayuu xafiiskii dacwadahana uga tagay.

Faarax wuxuuna doortay inuu ku shaqaysto xirfadii uu soo bartay wuxuuna furtay xafiis qareen isagoo difaacaya dadka gumaystuhu u arkayay inay danihiisa ka soo horjeedaan kuwaasoo lagu soo oogi jiray dacwado dulmi ah. Faarax shaqadaas ayuu ku soo jiitay dadkii xaqa jeclaa ee la socday dulmiga iyo yasidda lagula kaco. Shaqadaasi waxay kaloo uu suurto gelisay in Faarax Oomar uu ku biiro Ururka Qareenada ee Ingriiska (British Lawers Association) maadaama ay Somaliland ka tirsanayd maxmiyadihii Ingriisku dunida ku lahaa.

Dawladdii Ingirisku markii ay ogaatay in Faarax dhaqdhaqaaqiisii gobonimo-doonka ujeedooyinkii uu ka lahaa uu shaaca ka qaaday oo uu halgankiisii ka dhigay mid aanu la gaban, ayay kordhiyeen cadaadintii isaga iyo tageerayaashiisa lagu hayay. Madaxdii Ingriisku waxay isku dayeen inay iska hor keenaan Faarax iyo dadwaynihii, iyagoo u sameeyay 35 Caaqil oo dawladda mushahar ka qaata shaqadooduna ay ahayd inay Faarax dadka ku soo jeediyaan. Ilaa xad arrintaasi waa u suuro gashay odayaashii madaama aqoonta dadweynuhu xiligaas aad u hoosaysay. Taasi ku kelliftay in Faarax Oomaar uu iskii dalka dibadda mar kale uga baxo. Laakiin dibed baaxaas wuxuu Farax u adeegsaday inuu qadiyadda Somalida ka dhigo mid caalami ah.

Safarkaas Faarax wuxuu ku tegey Cadan, wuxuuna ka qayb qaatay asaaskii ururkii la odhan jiray (Somali Islamic Association), oo la asaasay sanadkii 1926dii, kaasoo ahaa ururkii ugu horreeyey ee laga sameeyo dalka dibaddiisa, waxaana kula jiray rag ay ka mid ahaayeen Ileeye Xaashi iyo Cabdi Siciid Xuseen oo ay Faarax saaxiib ahaayeen.
Halkaa wuxuu Faarax Oomaar uga sii gudbay Ingriiska. Intii aanu gaadhin London, waxa imaantikiisa la socday xukuumadda Ingriiska iyo dadwayne fara badan oo Ingiriis ah oo ogaa inuu imanayo dalkooda halgamaa weyn oo Somaliland ka socda. Sidoo kale, waxa safarkiisa ka warhayey Ururka Gar-yaqaanada Ingiriska (British Lawyers Association) oo uu xubin ka ahaa. Ururkaas ayuu ahaa kii sii faafiyey socdaalka Faarax isaga oo dadwaynaha Ingiriiska usii sheegay in garyaqaan Soomaaliyeed uu u halgamayo gobonimada dalkiisa diidana gumaysiga Ingiriiska uu ku soo fool leeyahay London.

Markii Faarax gaadhay London, waxaa soo dhaweeyay dadweyne farabadan oo Ingiriis ah, lana saftay halgankiisii iyaga oo si cad u sheegay inay ku garab taaganyihiin halgankiisa gobonimo doonka ahaa. Waxaa isla markiiba kor u kacay codkiisii iyo sumcaddiisii, wuxuuna qabtay shirar badan oo uu kaga hadlayo dhibaatada gumaysiga, waxaanu wax ku qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriska, kuna caddeeyay dhibaatooyinka ka taagan dalkiisa. Sidoo kale waxa doodo iyo aqoon-iswaydaarsiyo badan la yeeshay aqoonyahano badan oo Ingiriiska iyo xubno ka tirsan garyaqaanada Ingiriska (British Lawyers Organization) oo iyagu aad u xiisaynayey inay arkaan Nin madow oo ka hadlaya gumeysiga oo aan dadka ingriiska ahi badidooda la socon dhibaatada ay dawldoodu ku hayso dhulyowga ay gumeysato.

Faarax wuxuu ku cambaarayn jiray dawladda Ingiriiska in aanay u dirin dalalka ay gumaysato dad aqoon u leh sharciga, garsoorka iyo maamulka midna. Wuxuu ku andacooday oo ku dacwooday in dadka xukumaya Somaliland ay yihiin dad naxariistii ka guuratay oo aan haba yaratee caruur iyo xaasas toona lahayn. Waxaana laga yeelay dacwaddiisii ahayd in loo soo diro Somaliland, mas’uul xaas iyo carruur leh, si uu naxariis iyo jab-jabnaan ugu yeesho dadwaynaha uu xukumayo.

Intii uu joogay London wuxuu samaystay dad Somaliyeed oo hawsha gudha Ingriiska ka wada isaga oo u doortay nin la odhan jiray Ismaciil Telefoon oo reer London ahaa inuu noqdo wakiilkiisa kaas oo uu awood u siiyey inuu wararkiisa iyo farrimaha uu ka soo diro dalkii uu u gudbiyo Ururkii Garyaqaanada oo taageersanaa halganka Faarax Oomaar.
Intii uu joogay London ayaa Faarax Oomaar arkay saaxiibkii Mahatma Gaandi oo dadkiisii wada daba socdaan; Hindidii oo joojisey wax kasta oo England lagu soo sameeyey ama Ingriiskuba raad ku leeyahay; iyaga oo muddaharaadaya oo dariiqyada tuban, iyo Soomaalidii oo laba wax isku raacsani aanay jirin oo kala wada higgoonaysa iskana soo wada horjeeda! Faarax waxa uu la yaabay isuguna xidhmi waayey labadaas dhacdo, waayo waxa uu ogsoonaa, kana dheregsanaa in labada quruumoodba la wada gumaysanayey oo ay eelka wada qabeen; welibana gumaysi keli ahi uu labadaba gacanta ku hayey.

Yaabka Faarax Oomaar waxa uu ka soo jeedey in qolana (Hindidu) ay loolanto, gilgilato oo ay kacdo, quruunta kalena (Soomaalidu) ay keenada dhiibato, gorodda laalaadiso oo ay barkinta dheeraysato! Faarax Oomaar waxa uu arrintaas wax ka waydiiyey Saaxiibkii Gaandi mar ay wada xidhiidheen, waxanu Gaandi ugu soo war-celiyey Faarax Oomaar oo waydiiyey in Soomaalidu ay tahay quruun dhaqan iyo ilbaxnimo u leh qoraalka iyo wax-akhriska iyo in kale. Faarax waxa uu Mahatma u sheegay in aanay Soomaalidu waxna qorin, waxna akhriyin. Mr. Gaandi waxa uu Faarax Oomaar kula taliyey oo kusoo yidhi ‘in uu Soomaalida ka feejignaado, waayo waxa dhaci kartaba buu yidhi in iyagu (Soomaalida) ay Ingriisku kaaga cadaawad bataan oo isaga (gumaysiga) kaaga soo horreeyaan kaana raacaan.

Mahatma Gaandi waxa aragtidiisu ku saabsanayd in gadoodyo siyaasadeed lagu boqno-gooyo, laguna muquuniyo jiritaanka gumaysiga Ingriiska ee arladooda. Xaaji Faarax Oomaar isaga oo haddaba ka dab qaadanaya aragtidaasi Gaandi, ayaa waxa uu bilaabay loollan siyaasi ah oo aan hubaysnayn inuu ku muujiyo in dadka soomaalidu ay xaq u leeyihiin in ay gobanimo gaadhaan.

Faarax Oomarr markii uu muddo ka wadey halgankiisii dalka Ingiriiska gudihiisa waxyaalo badanna uu ka korodhsaday, ayuu goostay inuu dalkiisii ku laabto. Waxa uu intii uu ku jiray safarkaa soo laabshada ah uu soo maray magaalada barakaysan ee Maka, halkaasoo uu ku soo gutey waajibaadka ballaadhan ee Xajka.

La soco.

Top


52 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Pakistan

Islamabad (W.wararka) Qarax ka dhacay dalka Pakistaan ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo konton iyo labo qof, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen. waxaa ay ahayd saqdii dhexe markii dhowrka boqol oo qof oo ku nool Tuulada Gial ay ku tooseen qaraxan aad u weyn.
Waxa markiiba daba socday qaraxyo yaryar oo kale oo tira badan oo dhaliyay geeri iyo burbur baahsan.

Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa markii dambe masuuliyiinta u sheegay in guri weyn oo ku dhex yaala tuulada ay shirkad waddooyinka dhista u isticmaaleysay bakhaar ay ku keydsato waxyaabaha qarxa.
Waxaa loo maleynayaa in dab uu si kama' ah u qabsaday dhismahaasi kaasi oo dhaliyay, qaraxaasi weyn.

Dadka dhaawaca ah ayaa sheegaya in qaraxaasi weyni ay daba joogeen qaraxyo kaloo badan oo yaryar oo iyagu sababay in finiinka iyo firidhka miinada loo yaqaano Dynamite ee bakhaarkaasi ku keydsanayd ay ku dhaceen guryihii ku dhowaa halka bakhaarka uu ku yaalo.

Sarkaal sare oo Pakistani ah ayaa sheegay in marka in tan iyo intii la bilaabay hawlaha gurmadka ah ee laga wado goobta ay arintani ka dhacday, la helay ilaa iyo 45 meyd kuwa kaloo badanna ay ku aasanyihiin burburka guryaha hoostooda.

Inta badan dadka geeriyooday ayaa ah dumar iyo caruur. Dhaawaca intiisa badan ayaa waxaa lagu daaweynayaa Cisbitaal tuulaada Gial ku dhow oo xaalad degdeg ah lagaga dhawaaqay baaqyo ah in dhiig loo bixiya dadka dhaawaca ahna la jeediyay.

Inta badan Laamaha Dowladda iyo shirkadaha iyagu ku shaqeeya waxyaabaha qarxa ayaan fulinin shuruudaha iyo heerarka caalamiga ah ee la xidhiidha dhowridda in waxyaabahan qarxa ay shilal sababaan.
Balse tani ayaa ahayd shilkii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1988-dii xiligaasi oo qaraxyo isdabajoog ah oo ka dhacay goobta lagu keydiyo rasaasta ee Magaalada Rawalpindi ay ku dhinteen in ka badan 150 qof.

Top


Ururka Al-Qaeda Oo Digniin Cusub U Diray Dawladda Maraykanka

Al-carabiya- Cajilad maqal ah oo hadal ku duubanyahay oo ay soo diyaariyeen saraakiisha al-Qaacida oo laga siidaayey habeenkii xalay Telefishanka Al-carabiya ayaa Mareykanka digniin ku siisey in haddii ay wax yeelaayaan qof ka mid ah dadka maxaabiista ah ee ku xidhan Guantanamo Bay loogu aar gudi doono si dhakhso ah.

Cajaladaas uu siidaayey Telefeshanka Al-Arabiya waxa uu sheegey in uu soo duubey hadalka ku jira Ayman al-Dawahri oo aad loo rumeysan ayahay in uu Bin Laden u yahay ku-xigeenkiisa sare.

Waxa hadalkaas uu ku sheegey haddii mid ka mid ah maxaabiistaasi lagu xukumo dil, ay markaas dowladda Mareykanku qiime weyn ku bixin doonaan falkooda.

Mareykanaku waxa uu saldhigga Guantanamo Bay ku hayaa dad gaadhaya 600 oo qof oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen al-Qaacida iyo dagaalyahanada Daleban. Waxa Mareykanku uu bishii ina dhaaftey ee July uu sheegey in dadkaas qaar ka mid ah la saari doono maxakamado Miletri.

Telefeshanka Al-Arabiya oo saldhigiisu yahay Dubai ma sheegin wakhtiga iyo sida uu ku helay cajalada.

Qofka hadalkan ku soo duubey cajalada oo la hadlayey Mareykanka ayaa yidhi "waxa ilaa haatan aad aragtey waa dagaal fudud..dagaalka weyn waa uu kuu hadhsanyahay". hadalka cajalada ku duuban waxa uu ku baaqay in Mareykanka laga aar guto, waxaana uu Mareykanaka ku sheegey in uu yahay Saliib cusub, waxana uu hadalkaasi u hanjabey waddamada iskaashiga la yeesha Mareykanka.

Tani waxa ay ku soo beegantay maalmo ka dib markii uu ka digay weeraro cusub oo lagu qaado maraykanka xoghayaha arimaha gudaha ee maraykanku oo sheegay inay suurto gal tahay in weeraro cusub lagu soo qaado Maraykanka loona baahan yahay in arintaasi laga taxadiro.

Top


Madaxweynaha Liberia Taylor Oo Ogolaaday Inuu Xukunka Ka Dego

Manrovia (W.wararka) - Madaxweynaha Laybeeriya Charles Taylor ayaa sheegey in uu Madaxweyninimada Liberia ka dagi doono l daqiiqad kadib marka ay ka dhimantahay 11 August oo haatan ay inaga xigto siddeed maalmood.

Waxa uu Taylor ballaqaadkaas u sameeyey koox Wasiira ah oo ka kala socda waddamada ay Liberia dereska yihiin. Waxa Wasiiradaasi ay ka filayeen in uu u xaqiijiyo ballantii uu horey u qaadey, taas oo ahayd in uu waddanka ka bixi doono saddex maalmood ka dib marka ay ciidamada nabad ilaalintu ay Liberia soo galaan. Waxaana qorshuhu yahay in qeybta ugu horeysa ee ciidamada nabad ilaalintu ay Monrovia tagaan Isniinta Maanta ah.

Madaxweyne Taylor hal mar kaliya ayuu afkiisa soo marshey ereyga 'tegis', taasina waxa ay ahyad markii uu shirka la yeeshey wasiirada uu ka soo baxay oo uu meel fagaara ah ka hadley, waxaana uu bixista soo hadal qaadey markii lagu cadaadiyey in uu ku dhawaaqo, sidaas oo ay tahay si toos ah uma cayimin taariikhda uu bixi doono.

Gargaarayaashiisu waxa ay haatan hoos u sheegayaan in laga yaabo in uuna Taylor waddanka ka bixin ilaa laga daayo ama laga noqdo dacwadaha ku xidhiidha dambiyada dagaalka ee ay ku soo oogtey Maxkamada dembiyada dagalka ee joogta waddanka Sierra Leon. Taasina ma aha wax si fudud u dhici kara.

Inta uu Madaxweyne Taylor waddanka ku sii jirana, jabahadaha dagaalka ku haya caasimada, joojin maayaan weerarada ay wadaan, ama ha joogeen ciidamo nabad ilaalineed ama yaanay joogin, waayo waxyaabaha ay shuruudda uga dhigeen xabad joojinta ayaa waxa ugu horeeya in uu Taylor waddanka ka baxo.

Top


Sidee Loo Aasay Meydadkii Wiilashii Sadaan Xuseen Cudey Iyo Qusey

Tikret (W.wararka) Meydkii Udey, Qusey iyo wiil yar oo uu dhaley Qusey oo la odhan jirey Mustafa oo dhammaantood lagu duubey calanka waddanka Ciraaq ayaa lagu wada aasey qabuuraha Awja oo ku yaal meel ku dhow Tikrit.

Mareykanka ayaa si xoogan u adkeeyey ammaanka aagga aasku ka dhacay, waxana dadka ka qeybqaatey tiradooda loo ogolaadey in ay noqdaan 150 qof.

Maamulaha Mareykanka ee Ciraaq, Paul Bremer ayaa Sabtidii sheegey in ninkii soo sheegey halka ay ku jireen Uday iyo Qusay, 12 maalmood ka hor oo sababey in la dilo, haatan laga rarey waddanka Ciraaq oo la dajiyey meel ka baxsan Ciraaq. Waxana uu Mr Bremer uu intaas ku darey in uu ku kalasoon yahay in qof kale uu Saddam soo sheegi doono halka uu jiro oo uu qaadan doono $25 Malyuun oo doolar.

Laakiin, xoogaha yar ka dib markii aaskii Uday iyo Qusay uu dhamaadey ayaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu dhaawacey qarax bambaano oo ka dhacay Tikrit.

Jimcihiina, saacado ka hor intii aan la fasaxin aaska meydadkii Uday iyo Qusey, askari Maraykan ah ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gantaal lagu weerarey kolonyo ciidamada Maraykanka ah oo joogay Waqooyiga Ciraaq.

Top


Hidde-Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka; Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray A. Ducaale, Q; 3aad.

Masalan sifooyinka dhinaca quruxda ee hablaha lagu tilmaamo marka ay suugaanyahanadu ka hadlayaan waxa ka mid ah iyadoo gabdha xubnaheeda mid-mid loo qaato, laguna tilmaamo bilic xayawaan ama geed, sida Indhaha Deerada, Bah-rasaaf ama laaman-lawshe, Sanqaroor darmaanley IMW.

Tusaale ahaan aragti la xidhiidha tilmaanta quruxda ee gabadha ayaa bixisay sifadan, taas oo ay rag ku xeel-dheer sifaynta quruxda ee gabdhaha ay yidhaahdeen “Gabadhu laba haw dheeraato waa qoorta iyo gacmaha, labana haw gaabnaato waa cidhibta iyo faraha, labana haw yaraato afka iyo dhexda, labana haw buuraato kubka iyo adhaxda, laba haw cadaato ilkaha iyo indhaha, laba haw madoobaato cirridka iyo timaha, laba haw dhuub-naato”.

Sifooyinka caynkaas ah oo laga yaabo inaan qaar ka tegay ama sidii ay ahayd aanan u odhan ayaa loo yaqaan ama lagu tilmaamaa quruxda aan lay huwin. Laakiin aragti kale oo dhinaca midabka ka hadlay ayaa midabka ugu wanaagsan ku tilmaanta “Mas-ciideed”. Sidoo kale hawraad kale oo tilmaamaysa ama sifaynaysa quruxda fardaha iyo gabdhaha ayaa tidhaahda “ Faras waa baroor ugub, dumarna waa bataco laddan”. Laakiin siyaalo kala duwan ayey suugaanyahanadu u sifeeyeen quruxda, gaar ahaan dhinaca midabka, masalan nin suugaanyahan ah ayaa yidhi “Nimanyahow inan mandarad joogtay oo mar iga soo eegtay, maarriin dhalaal bay ahayd midabku waa dhawra’e”. Sidoo kale hees ka mid ah heesaha ay ku luuqeeyaan fanaaniintu waxa iyana midhaheeda ka mid ahaa “Midab aan caddaan iyo cawliin ahaynoo, daymada cajebiyiyo waxad tahay mas-ciideed”.

Midabka madawga la yidhaahdo ayey tragga qaar ku sifeeyeen quruxda, waxaana suugaanta taa lagu tilmaamay ka mid ah “Madaw sugul ah, maydal qoor-dheer, muraadkaaga waad heli”. Sidoo kale hees kale ayaa tidhaahda “Sow bilic hal-dhaaley, barta ay ku nooshahay kuma waaberiisteen”.

Marka la eego tuducan heesta ah ee u dambeeya abwaanku waxa uu gabadha ku sifeeyay bahalka la yidhaahdo Hal-dhaaga oo uu midabkiisu yahay dhuxuli, wuxuuna leeyahay baalal taf-dheer oo hareeraha uga dhacsan, laakiin Hal-dhaaga inkasta uu midabkiisu yahay madaw, hadana midabkiisu waxa uu ka mid yahay ashyaada quruxda lagu sifeeyo.
Nin kale ayaa isna yidhi “Inan madaw oo xidhan maro saddex-qayd ah”, taas oo uu muujinaysa inaanu ninka sidaa yidhi gabadh madaw oo xidhan maro ka mid ah maryihii hiddaha iyo dhaqanka aanu cidna ku doorsanayn. Laakiin midabadu way badan yihiin, inan-ragna mid-ba midab baa cajebiya, waxaase midabada ka mid ah: maarriin, Maarriin-dhalaal, Mas-ciideed, Yusur, Casaan, Casaan-dhiigle, Madaw, Madaw-dhalaal, Qaaje IWM.

Waxa kale oo gabadha lagu amaanaa ama lagu sifeeyaa marka laga hadlayo quruxda, waxa ka mid ah, dhinaca heemaalka iyo muuqaalka, sida, Dhererka, Hilibka, jimidhka,Haybadda IWM. Masalan tuduc hees ah oo tilmaamaysa muuqaalka gabadha ayaa tidhi “Muuq adaa sharaf iyo weliba meel-joog rabbi kugu mannaystee”, tuduc kale oo hees ah ayaa odhanaya “Ku-hoyo, heego muuq-dheereey”. “Mar hadaanay dheerayn sidii dhebiga yoocaale”ayuu gabay ku yidhi Caaradhiuub.

Hees kale oo ka mid ah heesaha dhaqanka ee ciyaaraha ayaa iyana odhanaysa “Faras waa baroor godan, dumarna bataco laddan”. Laakiin sifada ah bataco-laddan waxa uu macneheedu yahay gabadh gaaban oo hilib isku jooga leh, isla markaana dhinaca buurnaanta xigta.
Midabada Fardaha waxa ka mid ah, Caynab (Madaw), Qaaje (Cadaan), Xamar (Casaan) iyo Baroor (Dameeri ama Bool).

Suugaanta dhaqanku aad bay uga hadashaa ama u kool-koolisaa gabadha min maalinta ay dhalato ilaa marxaladaha kala dambeeya ee koritaankeeda. Masalan maalinta ay dhalato ee dhabta hooyadeed lagu qabto ilaa maalinta ay Awr-saar noqoto dhaqanku faallooyin badan ayuu ka bixiyey ama aad buu u qaadaadhigay, waayo dhaqankeenu waa hodan dhagax walba dhanka kale u rogay oo sifo ka bixiyey, sidaa awgeed marka inanta iyadoo dhabta saarran loo heesayo waxa loo tiriyaa heeso kala duwan, laakiin tuduc kastaaba waxa uu ku fadhiyaa xikmad la xidhiidha dhinaca nolosha qiimaha gabadha, masalan gabadha dhabta hooyadeed ku jiifta waxa jirta hees loo tiriyo oo loogu sheegayo inaanay dhabta hooyadeed iyo inay gabadhu reerkooda amaanu ku tahay ee ay tahay hanti u joogta cidda ay u dhaxayso ama guursan doonta, waxaana heesaha caynkaas ah loo yaqaan maaweelo, bal aynu eegno tuduc ka mid ah oo odhanaya “Geyaankaaga baa fadhiya’e, go’dooy gaagaabso hadalka”.

Marka la eego marxaladaha koritaanka ee gabadha waxa lagu kala naanaysaa magacyo kala duwan oo la xidhiidha had-ba inta ay da’deedu le’eg tahay sida: Marka dhabta lagu hayo, marka ay fadhi-barradka tahay, marka ay raad-dhaqaajiska tahay, marka ay koron-koriska tahay, marka ay dhoorka leedahay, marka ay foodleyda tahay, marka ay timo-tidcan tahay, marka ay gashaantida tahay ama xili-qaadka tahay.

Sida la ogyahay inta u dhexaysa 9 jirka ilaa 14 jirka ayey gabadhu ku baaluqdaa ama hadii si kale loo yidhaahdo ayt caadada ku heshaa, laakiin marka ay 14-jirka dhaafto waxa loo bixiyaa naanayso dhinaca da’da la xidhiidha, sida Sindheer, Abeer, Reer-gal, gabadh isku tumatay, Abeer, Hablaweyn IWM. Hase yeeshee lexejecladoodu waa inta u dhaxaysa 15—45 jir, taas oo macneheedu yahay in mudada u dhexaysa 15 jir ilaa 45 jir waa da’da laga ilmo dhali karo. Laakiin nimanka suugaanyahanada ahi marka ay doonayaan inay gabadha dhinaca da’da ka amaanaan waxay had iyo goor xushaan inta u dhexaysa 15, 16 iyo 17 jir, iyadoo mararka qaarkood la dheeraysiiyo xiliyada kala ah: dayr, dhalaan-ciil IWM. Masalan hadii aynu soo qaadano tuduc hees ah oo lagu sifaynayo da’da gabadha ee ninku doonayo inuu la baxo waxay tahay “Waa shan iyo toban jir sheekh wacani dhalayee, sharka laga xijaabee”.

Sidoo kale “Da’da tii toddobiyo toban gu’ga loogu darayee”.

Marka la eego dhinacyada dhererka, Hilibka, da’da iyo midabka oo uu badho maarriinku waxay dadka arimaha dhaqanka ku xeel-dheeri ka waddi-waayey wax walba dhexdhexaad. Laakiin Somalidu waxay tidhaahdaa naagta quruxda si kasta oo ay calaamad nacas-nimo u leedahay, hadana inan-rag kama tago, sidoo kale marka la eego caadada Somalida naagtu hadii ay wiilal dhasho xidid-weyn bay xidhatay oo si hawl-yar looma tuuri karo, waxaana tusaale u ah hawraarta odhanaysa “Baali wiilal leh iyo Basari dhaban leh midna lagama tago”… La soco cadadka dambe.

Top


Werwer Aduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko Taxane Ah: Waxa Qoray; Cumar Cali Iidle, Q: 6aad.

Isagu muu hadal oo wuxuu dareensanyahay inaanay guul soo gaadhin hase ahaatee wuxuu ka dhur sugayey waxay ugu jawaabi doonto. “maan filanaynin inan guuldarro noocan oo kale ah kala kulmi doono saaxiibaday, waa se adduunyo waanay dhacdaa. Waan u tegey heerka ay kaa joogto iyo kani aad adigu joogtaa waa cir iyo dhul” waxa is bedelay suuraddiisii dhidid waaweyn ayaa ka soo booday, garaaca wadnihiisu inta uu xawli u shaqeeyey ayey neefta ka soo burqanaysana calooshiisu joogsan wayday. Waxaad moodaysay inuu sakaraad galay oo wuu gariirayey hase yeeshee muu hadal. Saynab hadalkii ayey sii wadatay “ Waxba ha calool nuglaanin, nin baad tahaye adkayso mar uunbaad ku guulaysan doontaaye. Aniguba kamaan quusanin, adigana waan kaa daranahay mar labaad ayaan isku deyeyaaye ii samir.”

Tartiibtartiib ayey xaalladdii Farxaan uga sii daraysay, inta uu dhibiibay ayuu dhiigiina ka yaraaday, waxa intaasi oo idil uga darnayd marka jawiga wejigiisa meel la iska dhigo, kani muuqaal ahaan ay dadku ku arkayaan. Waa ruux wax jecele boqolaalka qof ee soo booqdaaba waxay kula talinayeen inuu iska illaawo mar haddii aanay iyaduba u soo jeedin, mayse dareensanayn gufaacada iyo ufada kulul ee inta ay jidhkiisa wada saaqdo karkeedu dusha uga soo boodayey marka ay hab aanu jecleyn ula talinayaan. Wuxuu xiisaynayey in lagu taageero sidii uu u soo heli lahaa inantaasi.

Ilhaan cabashooyinka iyo qaylo dhaanta u imanaysay marnaba may beddelin mawqifkeedii. Iyadoo quus laga joogo oo ay arrimuhu sii cakirmayaan ayey saynab isku qaadday iyada oo isku deyeysay bal in ay mar uun dul keento si uu caafimaad u dareemo, hase ahaatee waxay Ilhaan ka diiday qorshe hoos ahaaneed oo ay Saynab wadatay. Wuxuu ahaa in ay been ku madadaaliso ilaa iyo inta uu sidani dhaamayo.

Fiidadyowgii oo ay Farxaan labadiisii waalid iyo qaraabadoodiiba la joogaan ayey Ilhaan iyo Saynab albaabka ka soo wada galeen. Muqeedii markuu arkayba inta uu soo kacay ayuu kaga hor tegey albaabka, waxaabad moodaysay inaanu weligiiba tabcaan noqon. Woxoogaa ayey wada fadhiyeen, yaabka waalidkii iyo ummadii la joogtayba ka fajaceen wuxuu ahaa wiilkani caafimaadkiisuba ku xidhmay gabadhani. Gooni ayey ula bexeen oo waxay ka wareysteen sida ay isku barteen iyo waxa dhaliyey inay xaalladiisu heerkani gaadho. Way u warrantay laakiinse waxay afka ka ilaalinaysay sababaha ay ku nacayso.

In badan markay ka biyo diiday codsi ay u soo jeediyeen oo ku saabsanaa inay ogolaato. Waxayse kaga tegeen odhaah ah inay ka soo fikirto jawaabtana degdeg ugu celiso.

Werwer aad u weyn ayey la tiicday, waa hadal waalid iyo cirrooleyaal cidda baryeysay, dhinaca kalena asaxaabteedii ay Saynab hormood ka ahayd ayaa ka dhego barjaysiiyey. Maalmo idil intay ku qaadatay ayey fikir, aamusnaan ku wareegtay, waxa kale oo intaasina u dheeraa Dugsigii oo ay jartay.

Ugu dambayntii waxay go’aan ku gaadhay inay dib ugu noqoto taladii saaxiibadeed ee ahayd inay maaweelo uun ku waddo. Farxad ayaa lagu soo dhoweeyey. Farxaan xaalladiisii si waafiya ayey u caafimaaday mar hadduuba hantiyey inantii uu u warraaqayey. Waase mid baryo ku timide Ilhaan niyaddeedu umay soo jeedin. Waxaanay maalin walba ku ducaysaneysay inay arrintu sidaasi iska beddesho.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKRISTAHA: Bahal Ceydhin Ma Daayo, Nin-Na Caadadii Ma Baajo.

17-kii Julay waa maalintii xuska ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 47-ka qof . Maalintaa habeenkeediina waxa uu ahaa habeen ay cabsiyi ku dheehnayd, waayo waxa la qabqabtay dad badan, hase yeeshee waxa la dilay 47 qof oo ka mid ah dadkii la qabqabtay.

Raggii habeenkaa gaaf-wareegayey ee farta ku fiiqayey guryihii dadka reer waqooyiga ahaa ee loo eenaynayey inay taageerayeen S.N.M waxa ka mid ahaa saraakiil ciidamadii sirdoonka ka tirsanaa oo ay dhalashadoodu ka soo jeeddo Somaliland, ragaasna waxa ka dhexmuuqday, uguna derejo sareeyey nin sarkaal ahaa oo mar ahaan jiray taliyaha nabad-sugidda (NSS) gobol ka mid ah goboladii waqooyi (Somaliland), iyadoo uu gobolkaa xiligii uu joogay lagu xasuuqay niman badan oo odayaal ah.

Ninkaa sarkaalka ahi waxa kale oo uu ka mid ahaa raggii gadh-wadeenada ka ahaa calooshood u shaqaystayaashii reer koonfur Afrika ee loo adeegsaday duqayntii dhinaca cirka ee magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Sidoo kale sida la sheegay ama xog lagu hayo ninkan sarkaalka ahi waxa uu ka mid ahaa saraakiishii xiligii dawladdii Afweyne la shaqayn jirtay ururadii mucaaradka ku ahaa dawladdii Itoobiya ee ERPDF iyo EPLF, kuwaas oo hadda xukuma Itoobiya iyo Ereteriya. Dabadeedna ninkaa sarkaalka ahi markii uu xukunkii Afweyne dhacay waxa uu muddo ku noolaa dalka Itoobiya maadaama ay hadda madax ka yihiin rag garanayaa. Hase yeeshee waxa la sheegey inay xukuumadda Itoobiya muddo bil ah xidhay, iyadoo ay sababta loo xidhayna ahayd khadad basaasnimo oo uu dawlad kale u galay ama u wadday dawlad kale, laakiin markii dambe Itoobiya dalkeeda way ka masaafurisay.

Ninkaas waxa xiliyadan dambe caado u noqotay inuu Somaliland yimaado oo uu had iyo goor isku soo beego waqtiyada ay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed dalka ka aloosan yihiin, sida Aftidii distoorka iyo waqtiyadii dambe ee lagu mashquulsanaa doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo madaxtooyada. Laakiin hore ayey Somalidu u tidhi “Bahal ceedhin ma daayo, ninna caaddi ma baajo’e tolow maantana dawladdee ayuu u shaqaynayaa oo uu basaas u yahay. Laakiin sidoo kale Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Shinbir duul-duulis badani af-libaax buu ku dhacaa”, markaa bal aynu waxa uu ninkaasi ku dambeeyo.

Maxamed Faarax Maxamed, Hargeysa.

Top


Madaxweyne Sidii Laguugu Lisay, Uma Hambayn.

Ka dib markii uu madaxweyne Rayaale jagada madaxweynenimada ama hogaaminta dalka loo dhaariyey mudada shanta sannadood ee soo socda 1`6-kii May 2003 waxay dadweynuhu isha ku hayeen inuu qaabka ay yeellan doonto dawladda uu soo dhisi doono, iyadoo ay dadku u oommanaayeen isbedel , isla markaana madaxweyne Rayaale waxa uu markii jagada loo dhaariyey ballanqaaday inuu soo dhisi doono dawlad yar oo tayo leh, ta kale ballanqaadkiisa hore ka sokow waxa uu dhismaha dawladda ku maqnaa muddo laba bilood ka badan, balse wax laga dhursugaba waxa uu maalintii dambe ku dhawaaqay gole wasiiro ah oo ka kooban 47 xubnood, taasina waxay dadweynaha ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa, taas oo ah wax ka culus oo aanu qaadi karin qarankan curdinka ahi, waayo waxa haboonayd inuu madaxweyne Rayaale soo dhiso dawlad culuskeeda uu dalku xammili karo, laakiin xukuumadda uu mudane Rayaale soo dhisay waxay inagu tahay xadhig qaloocan, sidaa darteed waxay iswaydiintu tahay madaxweynuhu ma tiro badan ayuu u yaqaan dawlad tayo leh, mise dadka uu xukumo ayaan tayada si u wada aqoon oo ay qaarba si u yaqaaniin, bal ad-ba.

Muhim ma aha inaynu nidhaahno hebel wasiirnimada waa u qalmaa iyo hebel uma qalmo , waxaase muhim ah in la iswaafajiyo tirada iyo taagta.

Qofkasta oo caqligiisu shaqaynayaa wuu suurayn karaa dawladda uu madaxweyne Rayaale soo dhisay nooca ay tahay, balse aynu nidhaahno muruqa laba suule ninba si ku ah, taas oo aanay isu dhigmayn isbedelka loo baahnaa iyo qiimaynta xukuumadda la soo dhisay, markaa miyeynaan odhan karin madaxweyne Rayaale sidii loogu lisay, uma hanbayn, taas oo macneheedu yahay xikmaddii loo doortay, wax kuma salayn, iyadoo dhinaca kalena ay dalka qaybo dhami maqan tahay iyo biyo la’aanta jirta, taas awgeed waxaan u arkaan hadii uu madaxweynuhu danaynayo dalka ma eegteen in gobolo iyo degmooyin dhan ay cid kale ka taliso ee wuu ka jibbo keeni lahaa, ugu dambayna waxaan hadalkayga ku soo gebagebaynayaa su’aasha ah dawladda uu madaxweyne Rayaale soo dhisay tiro soo korodhay iyo tayo soo korodhay waa iyama, taasina waa dood furran.

Maxamed Sagax, Hargeysa.

Top


WAADIGA CIYAARAHA, Qore: C/Fataax M. Caydiid.

“Kadib Markii Nalooga Eexday Kooxda \Muqdisho Ayaanu La Dagaalanay Garsoorayaashii, Markaana 2 Sannadood ayaa,” “Goolkii iigu Wanaagsanaa Waxa uu Ahaa Gool Aan ku Dhalliyay Laba Lugoodin, Anigoo Diilinta 18aad saddex Tallaabo dibedda ka Jooga..” Wareysi – Q: 2aad – Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo) Xidiggii Caanka Ahaa ee Xulkii Gobolka W/Galbeed Sideetameeyadii.

Hargeysa (Haatuf) – Intii akhrisatay Wargeyska Haatuf, Cadadkiisii shalay, bogga Waadiga Ciyaaraha, waxa aanu idiinku sii daynay Wareysi dheer oo aanu la yeelanay mid ka ah xidigihii xulka Gobolka W/Galbeed ee kubadda Cagta, Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo), qaybtiisii hore, maantana waxaanu idiin soo gudbinaynaa qayb kale oo ka mid ah wareysigaasi:

S: Intaynaan ka tegin Is-aragaa hore, ma jirtay arrin adiga kuu dheeraad ahayd oo aad kala kulantay Tartankaa?

J: Waxa jirtay nin aanu walaalo ahayn ciyaartoy ah oo isla wakhtigaa u ciyaarayay xulkii gobolka Togdheer, Burco, kaas oo aan ka yarahay. Kadib markii aanu ciyaartii ugu dambaysay isaga hornimid kooxda Burco, waxa aniga ii dheerayd dareen gooniya oo aanay ciyaartoyda kale ila qabin, kaas oo ahaa in walaalkay oo iga weyn, isla markaana kaalinta difaaca ka ciyaarayay, kabtanka kooxdana ahaa oo lambarka 4aad u sitay, anna aan weerarka baalka midig ka ciyaarayay oo lambarka 7aad aan u sitay, taas oo keenaysa marka aan ciyaartoyga i haya ee lambarka 3aad aan soo dhaafo uu isagu iga horimanayay Aniis, runtii ciyaartoyga weerarka ah iyo ka difaaca ah way kala fudud yihiin, taasina ay keenaysaa in aan dhaafi karo, marna aanan dhaafi karin oo uu kubadda igala hadhi karo, balse waxa jirtay in aan ciyaartoyda Togdheer aanay ogeyn inaanu Aniis walaalo nahay oo ay ciyaartoyda kooxdayda Hargeysa oo keliyi ogaayeen, laakiin walaal, abti, saaxiib iyo aabo toona ma laha kubaddu, anna waxaan ku dedaalayaa in aan gool dhaliyo, isna inuu difaaco goolkiisa, markaa waxa dhici karta haddii aan kubadda la dhaafo oo ay ogaadaan in aanu walaalo nahay in la odhan karo ukas ayuu u sii daayay, isagoon xataa aan feebar ii galayn oo ciyaartu naga dhaxayso oo marar badanba I qaaday, haddana meesha shakigu wuu soo geli karaa.

S: Markaa dareenkaagu siduu noqday, mase dareemaysay inuu ku sii daynayo oo aanu sidii dhabta ah kaagala hadhayn kubadda?

J: Runtii taasi may dhicin, garoonka intii aanu ku wada jirnayna sida ciyaartoyda kale u wada ciyaarayeen ayuun baanu u ciyaaraynay. Balse aniga uun buu i galay dareen ah in shaki meesha iman karo, dabadeed waxay igu keliftay in aan qaybtii dambe ee ciyaarta aan kaalintaydii bedelo oo aan Cismaan Waxar oo koonihiisa tago oo aanu isbedelno, taasina waxba kama bedelin sidii hore oo mar walba walaalkay uun baanu is haynaa, reer Burcana nama oga, kadib tababarahaygii oo markaa ahaa Daahir Odey, ayaanu isla gaadhnay in aan ciyaarta ka baxo qaybtii dambe ilaa labaatan daqiiqadood markii ay socotay, waxaana soo galay oo bedelkaygii noqday nin la odhan jiray Caydaan oo xulka nagula jiray, sidaas ayaan ciyaarta uga baxay.

S: Fu’aad, siduu u dhacay is-aragii labaad ee Muqdisho lagu qabtay, adiguse wax goolal ah ma dhallisay?

J: Haa, waan dhaliyay oo saddex gool ayay ahaayeen goolasha aan dhalliyay. Ciyaartii ugu horeysay ee is-aragii labaad waxaanu wada ciyaarnay Kismaayo, waxaanay nagaga badisay 1-0, kadibna Nugaal ayaanu la ciyaarnay oo aanu 5-0 kaga adkaanay, waxaanan shantaa gool ku lahaa laba gool oo aan anigu dhalliyay, ciyaartii saddexaad oo aanu Jawhar la ciyaarnay oo haddii aanu badino aanu semifinalka u soo baxaynay, Jawharna barbardhaca ku soo baxaysay oo ay tirada goolasha naga badnaayeen, ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 1-1, iyadoo ay nagaga horeysay goolka, balse goolka barbardhaca aanu la nimid, kaas oo aan anigu dhalliyay, sidaas ayaanu ku hadhnay annagoo isku dhibco ahayn oo saddex dhibcood aanu lahayn, laakiin dhinaca goolasha ayay ku gudbeen.

S: Tartankii kaa kuu xigay ee aad ka qayb-gasho kee ayuu ahaa?

J: Tartankaa 1981-kii kadib, aniga fiiso ayaa ii soo baxday, waxaanan tegay dalka Qatar sannadkii 1982-kii, sidaas ayaanan tartamadii kaas ku xigay uga qayb-gelin. Laakiin, sannadkii 1985-kii oo aan fasax ku imi Hargeysa, kadibna guddigii xulka ayaa aragtay in aan weli kubadii ciyaarayo, waxaanay igu yidhaahdeen noo ciyaar, sidaas ayaanan uga qayb-qaatay tartankii 1985-kii, is-aragiisii horena waxa lagu qabtay Hargeysa, laakiin kii hore ee 1981-kii wuu ka duwannaa oo gobollo aan kuwii hore ka duwan ayaa ku jiray sida Gobolka Awdal. Ciyaartii u horeysayna waxaanu la ciyaarnay Ceerigaabo oo aan kaga badiya 2-0, tii labaadna Awdal oo barbardhac ayaanu la noqonay, ciyaartii saddexaad oo ahayd mid xiiso badan lahayd ayaanu Burco iskaga hornimid, kadibna ciyaarta oo barbaro maraysay 2-2 ayaa roob da’ay, kaas oo suura-gelin waayay in ay ciyaartii sii socoto, waxaana la go’aansaday in ciyaar kale laysku noqdo, taas ayaana lagu heshiiyay oo maalintii dambe ayaanu ciyaar kale wada ciyaarnay, taas oo aanu ka adkaanay 4-0, kadibna sidaas ayaanu ugu gudubnay is-aragii labaad oo ay kooxdii Burco oo kaalinta labaad gashay nagu wehelisay.

S: Markii aad tagteen Muqdisho, Is-aragii dambe halkee ka gaadheen?

J: Markaanu aan tagnay Muqdisho, wareegii hore waxaanu isku group noqonay Banaadir, Baydhabo iyo Boosaaaso. Ciyaartii hore waxaanu la ciyaarnay.

Baydhabo oo aanu laba gool kaga badinay, tii labaadna Bari oo iyadana aanu ka badinay, ciyaartii saddexaad oo ahayd tii ugu adkayd ayaanu la ciyaarnay oo haddii aanu barbardhac la galno soo baxaynay, kooxdii Banaadirna barbardhac 3-3 ayaanu kula galnay, sidaas ayaanu ugu soo baxnay semifinalkii oo aanu isku soo beeganay kooxda Kismaayo.

Ciyaartaas oo aad u adkayd, 90-kii daqiiqadood ee ciyaartu waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0, wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybtii hore sidii ayay ahayd oo wax goolal ah labada kooxood midna ma dhalin, qaybtii dambe ee wakhtiga dheeraadka ah ayay gool naga dhaliyeen, halkaas ayaanu ku hadhnay oo aanu kaalinta 3 iyo 4aad ku ciyaarnay.

S: Fu’aad imisa gool ayaad dhalisay intii aad u ciyaaraysay xulka Gobolka W/Galbeed?

J: Sannadkii 1981-kii waxaan dhaliyay 3-gool, oo aan is-aragii labaad ee Muqdisho lagu qabtay aan dhaliyay. Balse 1985-kii hal gool uun baan dhaliyay oo kaalinta aan ka ciyaarayay ayaa ahayd dhexda oo xagga dambe raacsan oo lambarka 6 ayaa sitay, halka 1981-kii ka ciyaaryay afka hore oo aan sitay lambar 7. Goolkaas aan 1985-kii dhalliyay oo ahaa runtii mid aad u qurux badan oo aan isleeyahay weli cid ka dhalisay wakhtigaa ama intii Hargeysa Stadium dhisnaa ka dhallisay ma jirto.

S: Ciyaartoyda aad ugu jeclayd ee wakhtigaa kula ciyaarayay, kuwee ayay ahaayeen kuwii ugu cadcaddaa?

J: Runtii may kala dhacayn ciyaartoyda gobolka ku jiray, balse kuwa aan ciyaartooda ugu jeclaa waxay ahaayeen; C/laahi Daahir (Alla ha u naxariistee) oo difaaca noo hayay kabtanka kooxdana ahaa, Shakuur oo isagu 1985-kii aan nagu jirin oo arrimo SNM-ta la xidhiidha loo xidhay oo aan halkiisii ka galay, Maxamed Gahayr, Diridhaba iyo Sacad, kuwaas ayay ahaayeen kuwii ugu cadcaddaa.

S: Fu’aad, 1985-kii ka dib mar kale ma u ciyaartay gobolka W/Galbeed?

J: Maya, sannadkaa markii aan noqday, waxaan fasaxaygii ku xigay imid Hargeysa 1987-kii, markaas oo la ii sheegay in ay baxeen oo ay Muqdisho tageen la ina sugayay, kadibna kamaan daba tegin, sidaas ayaanan uga hadhay, balse waxaan u ciyaaray kooxdii Degmada Hargeysa.

S: Ma jiraan ciyaaro kale oo aan ahayd kubadda cagta oo aad u safatay gobolka W/Galbeed?

J: Haa, way jiraan, oo ka sokow kubadda cagta, waxaan ciyaari karayay kubadda Laliska, Koleyga, haanboosha iyo bootinta sare iyo ta hooseba oo aan markii aan Qatar joogay ciyaari jiray. Markaa qofka waxa loo ogolaa oo keliya inuu laba ciyaarood oo kala duwan u safto, waxaana u saftay xulkii kubadda Laliska. Taas oo aanu is-aragii hore ka gudubnay, waxaanu tagnay Muqdisho oo wareegii hore aan iyadana ka gudubnay, isla markaana aanu semifinalkii u soo baxnay oo aanu Muqdisho la ciyaaraynay, balse siidhi-wadayaashii ayaa naga eexday oo waxaa nalooga eexday kooxdii Muqdisho oo labadii game ee ciyaartaba ay naga badiyeen, kadibna markii ciyaartii dhammaatay ayaanu aniga iyo ninkale oo Naasir Dheere la yidhaa la dagaalanay Siidhi-wadayaashii, kadibna laba sannadood ayaa nalaga mamnuucay ciyaaraha, sidaa darteed ayaanan ciyaartii kaalinta saddexaad aanu ku ciyaaraynay kubadda cagta aanan uga qayb-gelin.

La soco qayb kale.

Top