Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 390 August 5, 2003

Qaybe Muxuu Ka Yidhi Shirka Kenya, Faragelinta Maamulka C/laahi Yuusuf Iyo Doorashada Baarlamaanka?

Xisbiyada UCID, UDUB iyo KULMIYE oo Mawqif Midaysan Iska Taagay Shirka Kenya, Xaaladda Bariga Somaliland Iyo Doorashada Baarlamaanka

Mudanayaal Sheegay In Aanay Qayb Ka Ahayn Bayaan Ay Soo Saareen Wakiillada Beesha Sool

Fadhiga Golaha Deegaanka Hargeysa Iyo Ajandihii u Dambeeyay

Ciidamada Nabad-Ilaalinta Ee Galbeedka Afrika Oo Gaadhay Caasimadda Liberia

Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka Ee Ciraaq Iyo Wada-Hadal U Socda Maraykanka Iyo Britain

Shir Lagaga Hadlayo Sidii Loo Xakamayn Lahaa AIDS-ka Ku Sii Faafaya Koonfur Afrika

Khasaare $6.5 Billion Oo Doollar Ah Oo Soo Gaadhay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamka Sannadkan

Sucuudiga Oo Sameeyay Xarun Lagaga Hor Tago Argagixisada

Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 7aad

Kumuu Ahaa Faarax Oomar? Qore: Mohamed Jaamac Cali (Faroole), Q: 3aad; XADHIGII IYO MUSAAFURKII X. FAARAX OOMAAR

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Siraad Maad Fahmin Siyaasadda, Ismahaan Yuusuf Cali

Hal Waliba Ninkay Korisaa Wadkeeda Leh

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas

WAADIGA CIYAARAHA:WAADIGA CIYAARAHA: “Dadkii Khibradda U Lahaa Maamulka Ciyaaruhu Suuqay Joogaan Ee Iyaga Wax Halaga Weydiiyo...”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Qaybe Muxuu Ka Yidhi Shirka Kenya, Faragelinta Maamulka C/laahi Yuusuf Iyo Doorashada Baarlamaanka? “Shirka Kenya Mawqif Ayaynu ka leenahay, Arrinta Gobolka Sool-na Waa la Dayacay, Laakiin Anigu Weftiga Kenya iyo Arrinta Gobolka Sool..” Wareysi – Mudane Qaybe.

Qaybe Muxuu Ka Yidhi Shirka Kenya, Faragelinta Maamulka C/laahi Yuusuf Iyo Doorashada Baarlamaanka? “Shirka Kenya Mawqif Ayaynu ka leenahay, Arrinta Gobolka Sool-na Waa la Dayacay, Laakiin Anigu Weftiga Kenya iyo Arrinta Gobolka Sool..” Wareysi – Mudane Qaybe.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa shalay markii u horeysay ka hadlay mawqifkiisa ku waajahan arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin shirka Kenya uga socda kooxaha Soomaalida, fara-gelinta maamulka C/laahi Yuusuf ee degaamada bariga Somaliland, mawduuca dooddu ka taagantahay ee doorashada baarlamaanka, sida uu arko xal u helida qadiyadda gobolada bari iyo arrimo kale, wuxuuna mudane Qaybe arrimahaa kaga hadlay waraysi ay shalay la yeesheen weriyayaal ka kala socda wargeyska Haatuf iyo TV-ga Somaliland.

Mudane Qaybe oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sool, waxa dhawrkii maalmood ee ina dhaafay si gaar ah farta ugu fiiqay hogaamiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID, iyaga oo leh muxuu Qaybe shaaca uga qaadi waayey ama uga hadli waayey fara-gelinta maamulka C/laahi Yuusuf ku hayo degaamada bari, maadaama bay yidhaahdeen uu madax ka yahay mid ka mid ah saddexda hay’adaha ee dalka hogaamiya, laakiin ugu horeyn isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd sida uu arko shirka kooxaha Soomaaliya uga socda dalka Kenya, wuxuuna yidhi “Waxaan qabaa inaanu shirkaasi waxba ka duwanayn kii kooxda Carta, haddii dawlad halkaa lagu sameeyana waxaan u arkaa in la odhan doono kooxda Mbagathi, sidii kooxdii Carta, markaa waxaan qabaa inaanaynaan waxba isku wareerin ee beriga ay iyagu dawlad samaystaan ee sida ay sheegeen ay dawladdaasi afar sano shaqayso, oo ay noqoto dawlad baarlamaan iyo madaxweyne leh ha inoo yimaadeen, ta aynu la hadlaynaana waa inay tahay dawlad rasmiya”.

Mudane Qaybe isaga oo ka hadlaya warkii ku saabsanaa weftigii la sheegay inay guddiga farsamada IGAD ee shirka Kenya u soo dirayaan Somaliland, isla markaana ay dawladda Somaliland diiday inay u yimaadaan waxa uu yidhi “Anigu haddii ay dad inoo yimaadaan oo ay leeyihiin aanu idinla hadalno waxba kama qabo, waayo mawqif ayeynu ka leenahay arrintaa, marka ay inoo yimaadaana mawqifkeena ayuun baynu u sheegi, anigu diblomaasiyadda sidaan u bartay hadalka lama diido, waayo haddii aad tidhaahdo idinla hadli maayo gar-diid ayaa lagu qaadanayaa, markaa aniga haddii taa la igala tashan lahaa, weftigaa waan soo dhaweyn lahaa, anigaana diyaar u ahaa inaan runta u sheego, balse haddii kolayba arrintii dhacday oo xukuumaddu mawqif ka qaadatay kaasaa loo baahan yahay inaynu wada ayidno”.

Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Qaybe, isaga oo ka jawaabaya su’aal kale oo ahayd fara-gelinta maamulka C/laahi Yuusuf ku hayo degaamada bariga Somaliland, gaar ahaan Degmada Buuhoodle oo u dhawaan maamulka C/laahi Yuusuf ugu yeedhay inay tahay gobol maamulkiisa ka tirsan iyo sida uu arko, waxa uu taana kaga jawaabay “Fara-gelintaa la sheegayo anigu goob joog kama ahi, laakiin degmada Buuhoodle cid kastaa ha sheegatee waa meel Somaliland ka mid ah”.

Sida la ogyahay sannadkii ina dhaafay, waxa muddo saddex bilood gaadhaysa gobolka Sool ku sugnaa wefti culus oo isugu jiray hogaamiye-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo duqay kale, kuwaas oo meel-dhow soo taagay xal u helidda xaalka gobolkaa, aad-na u bisleeyey sidii wada hadal ammuurta lagu xalilo la isugu soo horfadhiisan lahaa, waxayse arintu dhabaqday markii ay madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood ay weerar culus huwiyeen ciidamo maamulka Puntland ah oo ka soo duulay Garoowe, taasina ay sababtay inay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii cago-caddaan kaga soo baxeen halkaa, laakiin mudane Qaybe oo la waydiiyey waxa mija xaabiyey dedaalkii gobolkaa ka bilaabmay, wuxuuna ku jawaabay “Dedaalkaasi wuu fiicnaa, meel wacana way ka gaadheen, oo waxay yidhaahdeen maamulka Somaliland ha lagu soo fidiyo goboladaa, taasina waxay ahayd mid weyn, laakiin raggii madaxweynaha u soo gogol xaadhayey ayaa hawshoodii ka soo bixi waayey, taas ayaana is-leeyahay way keentay wixii meesha ka dhacay, balse anigu waanigii cambaareeyey raggii soo diray ciidankii madaxweynaha rasaaseeyey, ee xataa magacooda sheegay oo kamaan aamusin arrintaa”.

Ka dib markii ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ka soo noqdeen socdaalkoodii gobolada bari ee ay Hargeysa yimaadeen waxa jiray go’aan ay wada jir u soo saareen labada gole ee baarlamaanka Somaliland (Guuritda iyo Wakiilada), kaas oo ahaa in guddi baarlamaanka ka tirsan loo saaro inay soo baadhaan wixii ka dhacay halkaa iyo sababta keentay, laakiin arrintaa halkeedii lagama qaadin, sidaa darteed Mudane Qaybe oo la weydiiyey halka ay arrintaasi ku dambaysay waxa uu yidhi “ Arrintaa isagama aanu iman aniga iyo gudoomiyaha Guurtidu, oo anigu waxaan is-idhi raad arooryo dib looma raaco ee mar hadday wixii dhaceen waxba ha soo faq-faqina, malaha gudoomiyaha Guurtiduna sidaas oo kale ayuu u fikiray.”

Waxa kale oo jira dad ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha xisbiyada qaarkood oo Gudoomiyaha golaha wakiilada ku canaanta ama yidhaahda Qaybe uma jajabna ama diyaar uma aha inuu ka hawlgalo wax ka qabashada qadiyadda gobolka Sool, laakiin Mudane Qaybe isaga oo taa ka jawaabaya wuxu yidhi “Gobolka Sool Madaxweynihii hore ha ahaado ama madaxweynaha hadda jooga ha ahaadee cid tidhi hawshaa ka soo qabo ma jirto, meeshaana anigu waxaan qabaa in xukuumadda Somaliland dayacday, oo sidii la rabay aan wax looga qaban iyo inaan loo dedaalin, markaa haddii la dedaali lahaa waxaan qabaa in wax qabsoomi lahaayeen, haddii maanta dhibaato ka jirtana waa wax ina saameeya, kumana aynu dedaalin in wax laga qabto, laakiin sida hadda socota waxaan ku rajo weynahay in la bilaabo talaabooyin arrimahaa lagu saxayo”.

Mudane Qaybe waxa kale oo la weydiiyey su’aal ahayd “Mudanayaasha degaanka Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland waxa lagu tiriyaa inaanay ahayn kuwo haysta kalsoonida degaamada ay ka soo jeedaan oo ay cidi soo diratay, ee ay yihiin kuwo Hargeysa laga magacaabo, taasina ay qayb ka tahay mashaakilka?”, wuxuuna kaga jawaabay “taasi waa sheeko ee dadkani dadkoodii iyo beelahoodii ayey ka wakiil yihiin, waxaana loo baahan yahay in la hawlgeliyo dadka golayaasha ku jira ama wasiiro ha ahaadeen ama anagayagan mudanayaasha ah ha ahaadeen, oo ay qorshaha la wado ka mid noqdaan, oo qaran ahaan loo hawlgeliyo, arrintaa waa in lagu dhaqaaqo, muddo badana way soo jiitamaysay, markaa waa inaynu isku dayno inay soo afjaranto, isla markaana wixii tabashooyin ah ee beelahaasi tirsanayaan wax laga qabto, anigu waxba hadda tafaasiil ka bixin maayee, balse waxyaabo badan ayaa jira, oo ay wax qabad la’aani ka mid tahay, markaa waxa loo baahan yahay in arrintaa meel looga soo wada jeesto oo laga hawlgalo”.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda waxa kale oo wax laga weydiiyey mawduuca doorashada baarlamaanka ee ay dooddu ka taagantahay iyo bal sida ay isula jaan qaadi karaan madaxweyne la soo doortay iyo baarlamaanka shir beeleedka ku fadhiya, wuxuuna ka yidhi “ horta dib u dhacu ma aha mid maanta bilaabmay ee wuxu bilaabmay wakhtigii dastuurka oo dastuurku sannad ayuu dib u dhacay, doorashadii madaxweynuhuna sanad iyo badh ayey dib u dhacday, markaa horta wuxu way is-riixayaan oo dib u dhacan doorashada baarlamaanka waxa keenay dib u dhacyadaa hore, qodobka labaad haddii golayaashan waqti loo kordhiyey taasi sharci bay ku fadhidaa ee sharci darro meesha kuma fadhiyaan, ta kale marka laga hadlo ma isla jaanqaadi karaan golahan iyo madaxweynaha la soo doortay, horta golahan waa la soo doortay oo waxa soo doortay beelahoodii iyo madax dhaqameedyadoodii, dadkana wakiil bay ka yihiin, meeshana iskama ay iman ee xadkii dastuurku tilmaamayey ayey ku yimaadeen. Ta kale sharcigii doorashooyinka baarlamaanka halkan (fadhiga wakiilada) waa lagaga wada hadlay sannad ka hor, taas oo qodobadii kale oo dhan la dhameeyey, laakiin saami qaybsigii gobolada ayaa la isku qabtay, beelaha qaarkoodna way ka dareereen, arrintaasina weli way taagantahay oo beel waliba waxay doonaysaa saami libaax inay qaadato, markaa arrintaasi ma aha arrin golaha kelidii ku filan yahay ee waa arrin u baahan xal qaran, oo ay dawladda, Axsaabta iyo baarlamaankuba ka mid noqdaan. Waxa kale oo jirta xuduudihii uu Ingiriisku ka tagay lix degmo ayey ahaayeen, lixdaa degmana waa lixda gobol ee maanta jira, lixdaa degmo waxay lahaayeen xuduudo la yaqaano, laakiin maanta xuduudihii waa la isku haystaa meelaha qaarkood, sidoo kale waxa jira degmooyin ciidaa ka badan oo aan kala xadaysnayn, arrimahaasna xukuumadda waxanu u qornay inay soo dhamayso, oo ay ka keento wax tifaftiran oo aan ahayn wax la soo dhoob-dhoobo, welina ma iman. Ta kale sharcigii caasumada weli waanu sugaynaa, markaa hawlahaa ayaa hortaagan doorashada ee anagu ma hortaagnin”.

Mudane Qaybe waxa kale oo wax laga weydiiyey kulan fadhi ah oo ay dhawaan golaha wakiiladu la yeesheen madaxweyne Rayaale, sidoo kale waxa jirta xan siyaasadeed ku waajahan mudane Qaybe, taas oo la isla dhexmaro inuu beryahan dambe aad ugu dhaw-dhaw yahay dhinaca xukuumadda ama madaxtooyada, laakiin isaga oo arrimahaa ka jawaabaya waxa uu yidhi “Horta casuumadu waxay ahayd mid iska caadi ah, taas oo ah inuu markii uu madaxweynuhu joogaba uu golayaasha hor fadhiisto oo la sheekaysto, dabadeedna si guud baa loo sheekaystay, wasiiradii la ridayna lagama hadlin, wax kale oo gaar ahna lagama hadlin, alaylahe arrintaa bariga ayaa la soo qaaday, ka dibna madaxweynuhu wuxu yidhi guddi qaran baan u saarayaa, laakiin waxyaalaha mala awaalka ah ee la leeyahay meesha way ka dhaceen waxba kama jiraan, ta aad leedihiin xagga madaxweynaha ayuu la jiraa, waxaan leeyahay waar dee madaxweynaha iyo aniga (Gudoomiyaha wakiilada) iyo Sheekh Ibraahim (Gudoomiyaha Guurtida) waxaanu nahay madaxdii dalka, waxaana naga dhaxeeya wada shaqayn, haddii aanu iska hornimaadnana taasi dalka ayey waxyeelaysaa, markaa ilaa intii aanu kari karno inaanu wada shaqayno waa waajib, laakiin nin waliba hawshiisa u gaarka ah ayuu leeyahay”.

Top


Xisbiyada UCID, UDUB iyo KULMIYE oo Mawqif Midaysan Iska Taagay Shirka Kenya, Xaaladda Bariga Somaliland Iyo Doorashada Baarlamaanka

Hargeysa (Haatuf): Saddexda xisbi ee kala ah UDUB, UCID iyo KULMIYE ayaa shalay wada jir u soo saaray mawqif midaysan oo ku waajahan qadiyadda bariga Somaliland, arrinta shirka Nairobi, siyaasada dibada ee Somaliland, maxaabiista siyaasada u xidhan, xeerka saxaafada ee wakiilada horyaal, doorashada baarlamaanka iyo mawduuc ay ugu yeedheen kobcinta axsaabta, isla markaana waxay talo ka soo jeediyeen sida ay u arkaan saami qaybsiga tirada baarlamaanka ee gobolada dalka, waxayna sidaa ku sheegeen warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen saddexdan xisbi.

Warsaxaafadeedkaas oo ay ku saxeexnaayeen saddexda xoghaye guud ee saddexda xisbi, Maxamed Ismaaciil Bulaale (UDUB), Daa’uud Maxamed Geelle (KULMIYE) iyo C/Raxmaan Maxamed C/laahi (UCID ku sime), waxa uu u qornaa sidan:

“Shirar is-daba jooga oo ay yeesheen saddexda xisbi qaran ee Somaliland waxay mawqifyo midaysan ka soo saareen arrimaha bariga Sanaag iyo Sool, Shirka Nairobi, siyaasada arrimaha dibadda, saxaafadda, maxaabiista, kobcinta axsaabta, doorashada baarlamaanka iyo saami qaybsigeeda.

I. Bariga Sanaag iyo Sool:

1. Saddexda xisbi qaran waxay u arkaan arrinta bariga Sanaag, Sool iyo degmada Buuhoodle inay leedahay mudnaanta 1aad ee siyaasadda qaranka.

2. Wada hadal iyo is-afgarad siyaasadeed ayaa leh mudnaanta in lagu dhameeyo arrinta bariga Sanaag, Sool iyo degmada Buuhoodle.

3. In si deg deg ah loo saaro guddi heer qaran ah, oo ka hawlgasha bariga Sanaag, Sool iyo degmada Buuhoodle.

4. Waxaanu uga digaynaa maamul goboleedka Majeerteeniya inay faraha kala baxaan fara-gelinta ay ku hayaan qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, haddii kale waxay masuul ka noqon doonaan cawaaqib xumada ka dhalata.

II. Arrimaha Shirka Nairobi

1. Somaliland kama mid aha shirka kooxaha Soomaaliya uga socda Mbagathi, go’aanada ka soo baxaana ma khuseeyaan Somaliland.

2. Marka ay Soomaaliya ka hana qaado dawlad hanata oo ay u dhan yihiin, labada dawladood ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland way ka wada hadli karaan danaha labada dal.

3. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda Talyaaniga inaanay ku milmin shirka kooxaha Soomaaliya, isla markaana aanay shacbiga Somaliland ee go’aansaday masiirkooda ka kasban colaad.

4. Waxaanu uga digaynaa bulshada Caalamka inaanay Jamhuuriyadda Somaliland, marna ogolaanayn in wax kasta dusha lagaga keeno, taas oo dhalin karta cawaaqib xumo saamaysa geeska Afrika iyo dunida kaleba.

5. Waxaanu beesha Caalamka ka codsanaynaa inay aqoonsadaan nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo dawladnimada ka hana qaaday Somaliland.

6. Saddexda xisbi waxay ku boorinayaan kooxaha Soomaaliya inay ka heshiiyaan arrimahooda siyaasadeed, iyaga oo ka tanaasulaya danaha gaarka ah, una danaynaya bulshadooda, dalkoodana ay nabadgelyo ku soo dabaalaan.

III Siyaasadda Dibadda

Dawladdu waa inay ku dhaqanto siyaasad firfircoon oo ku waajahan hirgelinta iyo ka midha dhalinta gooni isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa inay xukuumaddu dar-dar geliso xidhiidhka caalamiga ah, waxna la gashado wadamada IGAD iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu soo jeedinaynaa in caawimada caalamiga ahi u kala soocnaato Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa in Saddexda xisbi arrimaha Somaliland gacan ka siiyaan meeshii uu wakiil u joogo Somaliland, meeshii aan wakiil joogina ay saddexda xisbi iska kaashadaan ka midho dhalinta qadiyadda gooni isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Ururada Somaliland ee ka dhisan dibadaha waxaanu ku boorinaynaa inay dar-dar geliyaan u ololaynta gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland

IV.Saxaafadda

Xorriyadda Saxaafadda iyo xeer nidaamintooduba waa dastuuri, wixii cabudhin ah ee ku jira mashruuca sharci ee horyaal golaha wakiilada saddexda xisbi ma ogola, waana in laga saaraa.

V. Maxaabiista Xidhan

Saddexda xisbi waxay isku raaceen inaan cidna loo xidhi karin siyaasad, isla markaana haddii ay cidi siyaasad u xidhan tahay waa in la sii daayaa

VI.Kobcinta Axsaabta

Waa in Miisaaniyad siman oo ilaa heer degmo ah loo qoondeeyo saddexda xisbi qaran.

Waa waqtiga Doorashooyinka xisbiyada loo qoondeeyo kharash loogu talo-galo ololaha doorashada.

Waxa u cad saddexda xisbi inay jirto qabyo badan oo sharci oo ku saabsan hawlaha axsaabta iyo xisbinimada, kuwaasna waxa ka mid ah xasaanadda, sidaa awgeed waa in xeerarka doorashooyinka lagu kaabo, xuquuqda iyo waajibaadka ay axsaabtu yeelanayso, looguna magac daro xeerka doorashooyinka iyo Axsaabta.

Waa in la siiyaa mudnaanta ay qaranka ku yeelanayaan hogaanka sare ee saddexda xisbi qaran.

VII. Baarlamaanka

Saddexda xisbi qaran waxay isku waafaqeen in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashada baarlamaanka si ay dimuqraadiyadu u dhamaystiranto.

Saddexda xisbi qaran waxay diyaar u yihiin inay kala hawlgalaan hay’adaha ku shaqada leh xal u raadinta iyo dhamaystirka waxyaalaha ka qabyada ah doorashada baarlamaanka.

VIII. Talo Soo Jeedin Saami Qaybsiga Golaha Wakiiladda ee Gobolada Dalka.

Waa in tirada golaha wakiiladu ahaato 82 xubnood doorashadan, sida ku cad dastuurka.

Waa in Saami Qaybsiga Golaha Wakiiladu noqdo mid ku meel gaadh ah oo ku salaysan saamigii 1960-kii, oo lagu dhufanayo saami ah 2.5.

Waa in xeerka doorashada golaha wakiilada lagu caddeeyo inay doorashadan soo socota ta ka dambaysaa ku salaysnaato tirada rasmiga ah ee gobolada dalka, iyada oo samaynayo diiwaan gelin rasmi ah, oo ka bilaabmi doonta marka doorashadu dhacdo.

Degmadii ay doorashada golaha wakiiladu ka dhici weydo duruufo awgeed, waa in golaha wakiiladu doorashada ka hor xeer ka soo saaro wixii laga yeelayo.

Waxa ay saddexda xisbi qaran talo ku soo jeedinayaan in xeerarka doorashada iyo xeerarkii ku lamaanaa lagu dhameeyo muddo lix bilood gudahood ah, oo ka bilaabanta 1-da August”.

Top


Mudanayaal Sheegay In Aanay Qayb Ka Ahayn Bayaan Ay Soo Saareen Wakiillada Beesha Sool

Hargeysa (Haatuf): Laba Mudane oo ka tirsan mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay inaanay waxba ka saxeexin bayaan qoraal ah oo doraad soo saareen mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland, kuna saabsanaa fara-gelinta maamulka C/laahi Yuusuf ee deegaamada bari.

Labada mudane oo ay magacyadoodu kala yihiin Cismaan Cali Cabdi (Guurtida) iyo C/Risaaq Warsame Xayir (Wakiilada) waxay wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyey qoraalo kala gooniya oo ay arrintaa ku beeninayaan.

Cismaan Cali Cabdi waxa qoraalkiisa ku yidhi “Aniga oo ah xildhibaan ka tirsan golaha Guurtida waxaan halkan ku cadaynayaa inaanaan ku heshiin qoraalka ku saabsanaa arrinta gobolka Sool, ee ay labaatanka xildhibaan magacyadoodu ku qornaayeen, kuna soo baxay Wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 04/08/03.s

Waxa kale oo aan ogahay inay jiraan xildhibaano kale oo ila mid ahi, kuwaas oo aan qoraalka waxba ka ogayn, laakiin magacoodu meesha ku qornaa.

Ta kale aniga waxa ila wacan in cid la eedeeyo, inay ka wanaagsan tahay in wax la qabto, beentana waxa igala wanaagsan runta”.

Sidoo kale C/Risaaq Warsame Xayir waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Waxaan beeninayaa inaan saxeexin bayaankii ku saabsanaa cambaarayn ay mudanayaasha gobolka Sool u jeediyeen maamulka Puntland, iyaga oo kaga cabanaya fara-gelin bariga Somaliland ah.

Bayaankaa meel lagu qoray iyo cid qortay ilaa hadda ma ogi, isla markaana inkasta oo mabda’iyan la garan karo waxa ay ku hadleen, haddana waxaan aad uga xumaaday ereyada qoraalka loo isticmaalay oo ay ka muuqato cay iyo bisayl la’aan, kana aradan siiqada diblomaasiyadeed ee u qalanta xubno baarlamaan ah.

Arrinta degaamada Sool, Sanaag bari, koonfurta Sanaag iyo degmada Buuhoodle xukuumada Somaliland ayaa jawaab munaasib ah ka bixisay maalin ka hor, waxaana aaminsanahay inay haboontahay inay xukuumada iyo golayaasha Somaliland si heer qaran ah uga wada tashadaan, fahmaana carqalada dhabta ah ee 13 sannadood suuro gelin weyday in maamulku gaadho degaamadaa, isla markaana laga qaato go’aan ku saabsan xalinta mushkilada iyo hanashada yoolka danta ah ee ku xidhan dalka iyo dadka maqan, balse ilama aha mid u taal mudanayaasha beesha iyo qof toona.

Top


Fadhiga Golaha Deegaanka Hargeysa Iyo Ajandihii u Dambeeyay

Hargeysa (Haatuf): Xubnaha golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa fadhigoodii shalay meel-mariyey qorshe cusub oo la xidhiidha nadiifinta iyo nidaam lagu koontaroolo qashinka magaalada ee lagu daadiyo meelaha aan loogu talo gelin, waxaana qorshahaa soo bandhigay guddiga arimaha bulshada oo uu gudoomiye ka yahay Axmed Sandoon.
Waxa kale oo qorshayaasha la meelmariyey ka mid ahaa qorshe cusub oo wax lagaga qabanayo bilicda magaalada, iyadoo waxyaalaha la qabanayo ay ka mid yihiin habaynta istaamada baabuurtu ka baxdo, sida istaamada basaska , baabuurta magaalooyinka iyo tuulooyinka debedda u baxa. Waxa kale oo qoddobada halkaa la keenay ka mid ahaa samaynta dhokmentiyo la xidhiidha hawlaha dawladda hoose.

Fadhiga golaha deegaanka ee shalay waxa kale oo isna warbixin ka jeediyey Yuusuf Kirix oo ka mid ah golaha deegaanka, wuxuuna Yuusuf Kirix golaha soo hor-dhigay qoraal cabasho ah oo ku saabsan suuqa Gobanimo, iyada oo arrimahaa lagaga hadli doono fadhiyada soo socda.

Top


Ciidamada Nabad-Ilaalinta Ee Galbeedka Afrika Oo Gaadhay Caasimadda Liberia

Ciidamada Nabad-Ilaalinta Ee Galbeedka Afrika Oo Gaadhay Caasimadda Liberia

Manrovia (W.wararka) Cutubyadii ugu horeeyay ciidamda Nigeria ee nabad ilaalinta ayaa gaadhay dalka Liberia, kuwaas oo bilow u ah ciidamo caalami ah oo halkaa la geynayo oo soo afjara dagaalka sokeeye ee halkaa ka socda.

Iyadoo uu roob xooglihi da'ayo ayaa waxa ciidamada ku dajisay diyaarad helokobtar ah garoon diyaaradeed oo ku yaala meel ka baxsan caasumada Monrovia.

Dad badan ayaa ciidamadaa qeylo ku soo dhaweeyey, iyadoo dagaalyahanada mucaaradkuna ay iyana rideen xabadaha ifa oo ay ciidamadaa ku soo dhaweenayeen.

Ciidamadan hor dhaca ah ayaan la fileyn in ay tagaan badhtamaha magaalada ilaa iyo inta ay ka imaanayaan in ka badan seddex kun oo askari oo ka kala socda ciidamada nabad ilaalinta ee Galbeedka Afrika.

Waxaa shalay isna tagay magaalada Monrovia, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Nigeria, Oluremi Adeniji, isagoo halkaa geeyey sida ay sheegeen dad ku dhow dhow, fariin uu u sido madaxweynaha dalka Liberia, Charles Taylor.

Mr. Taylor ayaa hore waxaa uu u balan qaaday in uu todobaadka soo socda xukunka isaga dago, hase yeeshee wali muu aqbalin baaqayada uu caalamku u soo jeediyay ee ah in uu Liberia iskaga tago.

Top


Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka Ee Ciraaq Iyo Wada-Hadal U Socda Maraykanka Iyo Britain

Baqdaad (W.wararka) ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah ayaa dhintay qaar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin meel koonfur ka xigta caasimada dalkaasi ee Baqdaad.

Sida ay sheegeen dad goobjoog ahi waxa halkaasi ka dhacay qarax aad weyn kaasoo sababay in ciidamada maraykanku ayxidhaan dhamaan goobaha kudhawaa bartilmaameedka uu werarku kadhacay, macada cida werarkan kadanbaysay balse waxay kusoo beegantay iyadoo aysii kordhayaan werarda lalbegsanayo ciidamada marykanka ee kusugan Ciraaq,
Dhinaca kale war laga soo xigtay ergagii hore ee Britain u qaabilsanaa arrimaha Ciraaq oo la daabacay Isniintii ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Britain ay ka wadahadlayaan sidii QM ay u soo saari lahayd qaraar cusub oo ku saabsan amaanka iyo deganaanshaha Ciraaq.

Ninka layidhaahdo John Sayres waxa uu sheegay in Mareykanka iyo Britain ay dhawaan todobaadyada soo socda bilaabi doonaan wada hadalo ku saabsan Go'aan cusub oo qaramada Midoobay soo saarto.

Hase yeeshee Britain iyo Mareykanku ay doonayaan marka hore in ay ogaadaan aragtida France iyo Ruushka , labadaas Dawladood oo hore u mucaaraday weerarkii Mareykanka iyo Britain ee Ciraaq.

Diblomaasiga Britain waxa uu intaas raaciyey in ay welwel ka qabaan khilaafaadka Golaha Amaanka ka dhex jira, sidaas darteed ay doonayaan inta aan go'aanka la gaadhin in ay helaan kalsooni ah in ay taageero u heli doonaan qaraarkaas.

Top


Shir Lagaga Hadlayo Sidii Loo Xakamayn Lahaa AIDS-ka Ku Sii Faafaya Koonfur Afrika

Durban (W.wararka) Shir xambaarsan dadaallo la doonayo in AIDSKa Koonfur Afrika ku sii faafaya lagu xakameeyo ayaa Axaddii lagu qabtey magaaalada Durban ee Koonfur Afrika.

Iyadoo la wado sidii loo heli lahaa ballanqaaday oo la doonayo in waddanka Koonfur Afrika uu meel uga soo wada jeesto la dagaalanka AIDS-ka ayaa waxa wufuudda ka qeybgashey shirka Durban oo ay ku jiraan khubaro, Seynistyahano, Aqoonyahanno iyo shaqaale ka kala socda bulshada ay bilaabeen shir in muddo ahba la sugayey.

Qabanqaabiyaasha shirku waxa ay aad u doonayaan in mowduuca laga shirayo ay gaadhsiiyaan wax dhaafsiisan in dadka la daweeyo iyo in dawo la la'yahay.

Mar kale ayaa hadalkii furitaanka ahaa ee ay jeediyeen Wasiirada Caafimaadka ee halkaas iskugu yimid ay kaga hadleen sida ay muhiim u tahay in la siiyo nafaqo iyo dawooyinka u roon dadka reer Koonfur Afrika ee qaba cudur sidaha AIDK-ka, waxaase ay Wasiirada dhinac iska taageen oo ay ku ballan-galeen in dadkaasi la siiyo dawooyin fogaynaya waxyeelada cudur sidaha HIV (antiretroviral therapy). Maadaama cudurka AIDS-ku uu wakhti gaaban dadka ku dilo, daawooyinkaasi waxa ay kari karaan in ay ku badalaan xannuun la maamuli karo oo wakhti dheer u socota qofka cudurku hayo.

Tiro yar oo ka tirsan wufuudda Durban iskugu tagtey ayaa dowladda Koonfur Afrika ku raacsan mowqifka ay ka joogto dawadaas cudurka xakameeneysa.

Qaar ka mid ah wufuudda ayaa rumeysan in dib u dhigga in la sameeyo baadhitaan hormarsan oo lagu xakameeyo AIDS-ka uu masuul ka yahay dhimashada dadka gaadhaya lix boqol oo maalin walba u dhinta cudurkaas.

Top


Khasaare $6.5 Billion Oo Doollar Ah Oo Soo Gaadhay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamka Sannadkan

London (W.Wararka) – Sida ay cadeeyeen mas’uuliyiinta Duulimaadyada caalamiga ahi $6.5 billion dollar oo khasaare ah ayaa soo gaadhay Duulimaadyada caalamiga ah ee Diyaaradaha sannadkan 2003, taasoo ay sabab uga dhigeen faafitaankii cudurka SARS ee waxyaalada weyn u geystay dalal ka tirsan Aasiya iyo dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq, kuwaasoo sababay inay hoos u dhacaan Duulimaadyada caalamku. Sidaana waxa sheegay maamulaha ururka caalamiga ah ee gaadiidka cirka, isagoo intaa ku daray in khasaaraha ka dhashay cudurka SARS uu dhan yahay $4 milyaar oo dollar, kaasoo hoos u dhigay tirada dadka musaafirinta ah ee dalalka Aasiya 50% iyo dagaalkii lagu qaaday Ciraaq oo keenay hoos u dhac ku yimid dhinaca Duulimaadyada caalamiga ah, balse ay haatan arrimahaasi kasoo raynayaan.

Waxa kaluu sheegay, in shariikadaha diyaaraduhu ay shaqada ka saareen 400,000 oo shaqaale ah, taasoo ay dheer tahay iyadoo la sameeyay hawlgallo adkaynta amaanka ah oo lagu soo rogay madaarada, taasina ay cidhiidhi gelisay hawlihii safarada Diyaaradaha.

Ugu dambayntiina wuxuu u soo jeediyay xukuumadaha inay ka noqdaan tallaabooyinka ay kusoo rogeen hawlaha safarada.

Top


Sucuudiga Oo Sameeyay Xarun Lagaga Hor Tago Argagixisada

Riyadh (W. Wararka) – Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa ku dhawaaqday samaynta xarun la dagaalanta argagixisada isla markaana lagaga wada hadlo arrimaha khuseeya midnimada dalkaasi. Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Amiir Cabdalla Bin Cabdul-casiis oo leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga, isagoo cadeeyay inuu samaynta xaruntaasi ogolaaday Boqor Fahad si loo daaweeyo khilaafadka ka dhasha arrimaha Siyaasadda iyo diintu, tallaabadana waxa loo arkaa mid ay Dawladda Sucuudigu kula dagaalamayso ama ay kaga hortegayso arrimaha argagixisada.

Top


Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 7aad

Sannad ayaa ka soo wareegay intii ay arrintaasi bilaabantay waxa si tartiibtartiib ah usii xoogaysanayey xidhiidhkoodii, wuxuu Farxaankii murugada la tiicay, tiiraanyadu lafo ka yeeshay, ee bukaan jiifka ahaa ayaa dabraday gabadhii ka sii rooraysay. Ayaan darro umay ahayn isaga, inkasta oo ay Ilhaan nafteeda ku canaananaysay waxan dhacay “ waxaan dareemayaa, qalbigayga waxbaa jiidanaya, heerkani aan magiciisa ku hadaaqayo waad gaadhi ismaan lahayn” ayey si dareen iyo ismoogaan ah ugu lahayd saaxiibadeedii Saynab. Yaab baa ku dhacay dhinacna farxad gadhoodhay bay ka ahayd, inta badan ee ay u kala dab qaadi jirtay iyo dhibka ay la soo martay waxa aad uga badnaa kani ay daqiiqadda isku beddeshay.

Xaallada oo caynkaasi ku socotay muddo laba sanno ah ayuu Farxaan u dhoofay dalka maraykanka. Waxay ku kala tegeen ballan adag oo ay Ilhaan si fiican ugu qanacday rajadeedana ahayd, kaas oo ku salaysnaa in uu marka uu muddo sannad ah joogo Maraykanka haddii uu helo dhalasho u raadiyo una doodo iyada, intaasi waxa u dheeraa iyadoo ka codsatay inuu sii meheriyo xilligaasi waxa diyaar ahaa labadii waallid ee labada dhinac ka kala socday. Aad ayey ugu adkaatay Farxaan, si kasta oo loola hadlay isaga mawqifkiisu wuu ka duwanaa kan ay qabtay Ilhaan ee ahaa in aanu marnaba illaawayn haddiiba uu dhoofayo. Maalinba maalinta ka dambaysa ayey rajadeedu ahayd bal inuu ka soo reeyo, oo uu u ogolaado dalabkeeda.

Ilhaan “maxaad iigu diidaysaa inaan xaaskaaga si sharafle ku noqdo?”
Farxaan “waan ku jeclahay, ruuxaygana adigaan kaaga lexejeclo badanahay, laakiinse waxa qurux badan inaynu si sharafle isku aroosanno.”

“Aniga waxa lama illaawaan ii noqon lahayd haddii aad arrintayda ii fuliso, quruxduna kuma xidhna durbaanno la qaato iyo damaashaad toonna, waase mid qalbiga ka soo go’da, raallina la iskala yahay”. Ayey tidhi.

Farxaan inta uu foororsaday ayuu hoos u yidhi “kaasbiyeyntu waxay kaa kaxaysaa ikhtiyaarkii iyo kalsoonidii aan kuu qabay, waa isku mid haddii aan aroosanno iyo haddii aynu dib u dhiganno”. Ilhaan niyad jab ayey la caloolyoonaysay maxayse samayn kartaa way uga awood badantahay kalgacalka uu u qabo, kaasaana keenay inay ka ogolaato qorshe kasta oo beer laxawsi ay iyadu u aragto.

Sidii ayuu iyadoo niyadxun ku dhoofay, quuse may gaadhine waxay sugaysay Wakhtigu wuu is gurayey rajaduna way soo dhowaanaysay, maalin walba waxay Ilhaan dul joogtaa uun telefanka. Siday u sugaysay ayuu dameceegii ahaa dhoofka iyo hanweynidii ay u qabtay maqalka codkiisa isa sii gurayey arrimahaasi oo dhami waxay dhimeen muxubadii lama dareemaanka ahayd ee xawliga ku socotay. Waxay bilowday inay soo raadiso telefoonkiisa, qoyskoodii ayey u tagtay oo waxay ka codsanaysay inay siiyaan meel ay kala xidhiidho wiilkooda. Filan waa ayaa ku dhacay oo maalmo idil markay ku soo noqnoqotay ee ay kolba geed ugu xoqanayeen ayey goor dambe oo ay daashay siiyeen guri uu inta badan ka maqan yahay, xilliyadaasi ay la hadlaysay waxay haysatay $10 oo Lacag ah. Laba maalmood ayey kaga dhammaatay.

Werwer iyo walaac ayaa u dhammaaday, maalin walba fikir darteed ayey timaheeda cirradu ku korodhaa, indheheedu soo jeed u basaaseen, oo ay dhuubni daraadeed dhabannadii la jeclaana u xarkageen. Is Ciil kaambi baa dilay, garsho la’aan kamay ahayne waxa jiidanayey qalbi qaarado iskaga gooshay oo aanay nolol iyo geeriba war iyo wacaal u haynin. Way cidlootay, waanadu waxba kama tarto oo sidii ruux saar qaba ayey saqda dhexe qaylo kaga kici jirtay. Waxay maskaxdeedu soo ragaadinaysay aragtiyo ay malaysanaysay kuwaasi oo ahaa inuu daroogiiste noqday oo kolba gidaarrada u hoyda, mararka qaarkoodna waxay ku soo celceshanaysay isaga oo la xidhay oo mastaafur loogu keenay guriga dhexdiisa.

Siday u raadinaysay ayey dhowr bilood ku qaadatay waayo may haysanin wax lacag ah oo ay ugu celiso markasta oo ay ku fikirto xilliga la heli karo inay la hadasho. Guul may gaadhin, quusna kalamay soo hoyanin.

Farxad waxay cirka isku shareertay kaddib markii ay heshey ee ay gabadhi ka qabatay telefoonka una xaqiijisay inuu gurigan galo laakiinse xilligani uu shaqada ku maqan yahay. Saacaddii uu soo rawaxayey ayey ku qabatay. Mar alla markay codkiisii maqashay ayey neef qabow oo weyni ka soo yeedhey, raynrayn ayey hadli kari weyday.

Qurux ay indhaheedu u basaaseen, ubax aanay muddo sannad ah ku raaxaysanin, iyo codad qalbiga u roon ayey heshey. Farxaan naxdin ayuu la aamusay oo juuq dambeba wuu odhan waayey, dabeeto wuxuu u dhiibay telefoonka gabadhii ayuu ugu dhiibay. Codkii markuu noqday mid dumar ah ayey xaalladeedu xawli isku beddeshay. Waxay degdeg u weydiisay “ayaad tahay?” “ Waxaan ahay xaaskii walaalkaa” ayey jawaab uga dhigtay. Ilhaan yaab iyo anfariir inta uu ku dhacay ayey naxdin ku gariirtay telefoonka, “walaal….run..ta ii sheeg oo ma xaas..kii..sii ayaad tahay?”. Hadalkeedu googoos hiinfaadh ku dheehan yahay ayuu ahaa. Waxay gabdhii si kulul ugu celisay “oo miyaanad ogayn sannad ayaannu is qabnaye”.

La soco.

Top


Kumuu Ahaa Faarax Oomar? Qore: Mohamed Jaamac Cali (Faroole), Q: 3aad; XADHIGII IYO MUSAAFURKII X. FAARAX OOMAAR

Ugu dambeyntii Xaaji Faarax Oomaar waxa loo taxaabay xabsiga, waxaana lala xidhay Shiikh Ibraahim Xujaale oo ay saaxiib ahaayeen. Xaaji Faarax iyo Shiikh Ibraahim oo Cadan laga soo qabatay waxa la isugu geeyey jasiiradda Saqdara oo ku taal biyaha Yemen ee Badda Cas, waxaana laga ilaaliyey inay cidi ku soo booqato oo ugu tagto xabsigaas, si loo soo ogaado xaaladda uu ku sugan yahay. Waxa uu Xaajigu halkaa ku xidhnaa muddo dheer. Waxa uu Faarax Oomaar halkaa kala kulmay darxumo farabadan oo usoo jiiday inay asiibaan cuduro.

Markii la ogaaday xadhigii iyo masaafurintii iyo Xaaji Faarax ayaa waxa ay ururadii uu xubinta ka ahaa gaar ahaan Ururkii Garyaqaanada iyo Ururkii Islaamka ay u direen Ingiriiska dacwad ay kaga ashkatoonayaan xadhiggiiisa. Sidoo kale shacbigii Soomaaliyeed ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin in Xaaji Faarax la xidho oo dalka dibedda looga saaro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya gabyaagii waynaa ee Xaaji Aadan Axmed Af-qalooc waa kii tiryey gabay ay ku jirtay weedhani:

Isagoo dulmga aad qabtaan;
dood ka celinaaya
Da’dii uu ahaa Faarax baa
jeelka loo diraye
Loo diid dadkii uu dhaliyo
duunyaduu dhaqayee
Markii dawladdii Ingiriisku ay ogaatay, xaqiijisayna inuu tamar-gabay awooddina aanay ku jirin, gabowga ka sokowna ay hayaan cuduro badan oo aanu ku hawaysan karin dhadhaqaaq dambe ayey Xaaji Faarax Oomaar xabsiga ka sii daayeysay dhamaadkii dagaalweynihii 2aad.

GEERIDII X. FAARAX OOMAAR
Xaajiga oo da’ ah, xanuun iyo dayac badanna kala soo noqday go’doonkii iyo darxumadii xabsigii uu muddada ku jirey ayaa yimi Hargeysa.

Dawladii Ingriisku waxay haddana dareenatay in joogitaanskiisa oo keli ahi uu khatar yahay. Sidaasaa haddana Xaajiga dib loogu masaafuriyay magaalada Harar si mar walba isaga iyo shacabka loo kala ilaaliyo.

Markii uu joogay Herer shan ilaa lix bilood, ayuu Xaajigu u xanuunsaday si ba’an, waxaana lagu soo celiyey magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka galay cusbitaalka magaalada Hargeysa, kuna dhammaystay intii noloshiisa ka hadhsanayd.

Xaaji Faarax Omaar Ileeye ilaahay ha u naxariistee waxa uu geeriyoodey sannadkii 1948kii isaga oo 70 jir ah, noloshiisa inteeda badanna ku idlaystay dood, dagaal, halgan, safarro dhaadheer, xadhig iyo cadaadis fara badan iyo darxumooyin la xidhiidha. Xaaji Faarax oo markii ay naftu ka baxaysay ay dul tub tubnaayeen saaxiibadii iyo dad kale oo taageerayaashiisa ka mid ahaa ayaa ku yidhi Xaaji ashahaado waad sii socotaaye wuxuuna ku jawaabay:

Dalkaygu ka yar mid shan meelood loo kala qaybiyo;
Dadkiisuna ka itaal yar wax la rarto!

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Siraad Maad Fahmin Siyaasadda, Ismahaan Yuusuf Cali

Tix-raac maqaal ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 2074 ee 31, July, 2003, kaasoo ka hadlayay qoraal ay kaga hadashay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf, kaasoo aan u arkay inuu ahaa mid meel ka dhac ku ah ayaan jeclaystay inaan ka jawaabo.
Bulshada reer Somaliland iyadoo la wada arkayo ayay si dimuqraadi ah u doorteen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyagoo ku doortay deganaanshihiisa, aragtidiisa fog iyo dulqaadkiisa, waanay ku kalsoon yihiin hogaamintiisa daacada ah.

Siraaday dadweynaha reer Somaliland ma aha kuwo loo caayo doorashadoodii iyaguna u riyaaqa. Ha noqonin haweenkii dagaal-oogayaaasha ahaa ee reer Xamar ee ka daba mashxaradi jiray si ragoodu isu dilaan ee ku odhan jiray “hoo diraca” markay arkaan nin diidan dagaalada sokeeye.

Siraaday dulqaadka Dawladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Rayaale yaanay ku hodin, qaanuunka dawliga ahna yaynaan ku tuman ilayn aflagaado Madaxweyne waa dembiye. Siraad maad fahmin macnaha erayga siyaasad ee micnaha ballaadhan leh. Bulshadeenu way ka bislaatay in wax loo yeedhiyo, Dawladda aad ku sheegtay tiro badnaantuna maaha mid inoo taala inagoo haween ah ee ha ka hor imanin diinteena islaamka ee dhawrsoon oo inoo jeexday jidka cad raacitaankiisana aan guul ku gaadhayno aakhiro iyo aduunyadaba, taas ayaanay liibaanteenu ku jirtaa.

Siraad Madaxweyne Daahir Rayaale waa awr gurgurshaa ah oo maatida lagu rarto ee ma wuxuu kuula ekaaday maroodi jiir dhalay. Walaal horaa loo yidhi “inkastoo loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dadbay meeli bugtaa.” Haddaad samo ka talis tahay miyaad ilowday kaambaynkii aad ku gashay ballan-qaadkii ahaa 15 wasiir inaad siinayso gobolka Awdal.

Siraaday malaha waxaad si khaldan u fasiratay erayga “Tayo” laakiin tayo waa sifo lagu tilmaamo xoog dad oo leh xirfado kala duwan, aqoon hufan, waayo-aragnimo kala duwan, awood hawl-fulineed, da’o kala duwan iyo farsamo maamul oo lagu hanto xilka.

Haddaba marka maanta miisaan caafimaad qaba la saaro xubnaha xukuumadda waa laga helayaa sifahaasi haddii aanu jirin fikir gaar ah ama koox jeclaysi, waana ta suurta gelisay in muddada gaaban ee ay xilka hayeen.

Ismahaan Yuusuf Cali, Hargeysa.

Top


Hal Waliba Ninkay Korisaa Wadkeeda Leh

Anigoo tix-raacaya maqaal uu ku qoray wargeyska Jamhuuriya Mudane C/rashiid Fakar cadadkii soo baxay maalintii Arbacadii ee 30, 7, 03, cinwaankiisuna ahaa; “Xukuumadda Qaybe Dhistay, Tuurta Ha ku Sito.” Haddaba waxay ahayd C/rashiid inuu dib u eego waxay qabteen waxay qabteen 13-kii sanadood ee ay dhisnayd Jamhuuriyadda Somaliland oo ay degmada u hayeen xilal kala duwan, kuwaasoo isugu jiray; wasiir, xil-dhibaan, mayor oo la isku bedelayay, haddaba maxaa dhaxal u ah ee uu dugsanayaa.

Ina Fakar, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; “Hal baa geela cunta oo cabaada.” Ina Fakar, waxaan u arkaa inaad doonayso inaad kala fogayso Somaliland iyo bulsho weynta reer Buuhoodle.

Haddaba, Mudane C/rashiid waa inuu fahmo dadka ku nool deegaanka Buuhoodle inay xaq u leeyihiin isu sharixidda xileed ee degmada. In loo magacaabi karo cid kasta oo aqoon u leh rag iyo dumarba, in laga guuray nidaamkii beelaha oo loo guuray habka dimuqraadiyadda ee axsaabta tirada badan, wiil iyo aabihiina ay qaban karaan xilka magaalo qudha, haddii ay ku helaan aqoontooda. Waa inuu ku qanco una hambalyeeyo cidii loo magacaabo xilalka ay bulshadu leedahay, waayo xilku cidna lama dhalan, dhaxalna umay helin laakiin waa wareegto cidii hanata ee la timaada kasbashada dadweynaha iyo ta dawladdaba ayaa mudan in loo tixgeliyo waxqabadkooda.

Ugu dambayn waxaan u hambalyaynayaa mas’uuliyiinta loo magacaabay degmada Buuhoodle, anigoo Ilaahay uga baryaya inay noqdan kuwo kasbada bulshadooda, daacadna u ah, Ilaahayna ha u fududeeyo xilkaas. Xukuumaddana waxaan ku boorinayaa inay wax la qabato maamulka loo magacaabay Buuhoodle.

Faarax Axmed Kaarshe, Hargeysa.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq abuurka. Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aan idinku gujin jiray warkii dunida, waakan weriye Widhi Wayso:

Warkii oo Xagaa-baxay

Magaalooyinka Shankaroonland, ayaa in dhawaydba isu wada eeg oo boqol af ku kala hadlaya. Dadkaas oo aan Xabashina u garan waayay, ayaa lay sheegay in ay yihiin dad reer Shankaroon ah oo shisheeye oo yimi. Mar aan sii weydiiyay oo ku idhi: “Oo hadday reer Sharkaroon yihiin, maxay la dhaadhaaleeyiin, mee afkoodii?” ayaa la igu yidhi; “Haddaad ogeyd dad af qudha ku hadlaya, adduunyadaba wixii af lagaga hadli jiray waa lala yimid oo ilbaxnay.” Oo ragii afkan lahaa miyaanay inagu qabsanayn oo dadkeena ku odhaynin waar noo soo celiya luuqadayada, yaa idin yidhi la baxsada?

“Sidaa maaha, dadkan waxa la yidhaa ‘xagaa-bixii xigtadooda u xiisay’ waana kuwa Xawaaladda lacagaha soo dhiga.”

“Alla waar imikaan gartaye, waa dadkii telefoonka lagu shaxaadi jiray ee doollarka inaga dhergiyay. Waar bi’i waaya’e dadka hala soo dhaweeyo oo orgiyo haloo qalo si gobanimo leh.”

Hargeysa
Dalalka Atoobiya iyo Shankaroonta ayaa hurguriga u dhexeeya loo hagaajinayaa, kadib markii hay’ad reer Yurbaan ahi mashruuc hunguriyo hagaajin ah ka bilowday Shankaroonta iyo jiida u dhexaysa Atoobiya, si cuntada Berbera laga liqaa ay toos u tagto caloosha Ardal Xabash.
Sibinaar lagu dhaqdhaqaajiyay hirgelinta hungurigaas oo Madaxyuubka Shankaroontu subax dhawayd u dusay ayuu ka sheegay inuu ku faraxsan yahay budulkan laga samaynayo aroorka u dhexeeya labadan wadan, si dadyowgu isu dhex yaaco.

Madaxyuubka oo in Af Ingiriisi ah isla xariifiyay, ayaa yidhi: “Ay teneg yuu tu taraay this Bojekjen.”

Mashruucan oo lacag door ah loo soo dawaray, wuxuu qayb ka yahay mashaariic Afrikaan isku fur ah oo reer Yuuro isku dhaqdhaqaajiyaan wadamadan Afriko Illaahay ee iyadoon Illaahay kala xidhin camalkoodu kala xidhay, kuwaas oo haddiiba ay isu gudbi lahaayeen ka baqanaya wado xagaaftan yar ee Ingiriisku jeexjeexay, kuwaas oo la garan la’ yahay in ay taag darro uga tallaabi waayeen iyo inay tallo darro uga tallaabi kari waayeen.

Atoobiya oo ah dal cir weyn oo Bad la’aan la basaasay, ayaa la rumaysan yahay in haddiiba Shankaroontu shaqaysato oo Xabashida badda Berbera ka waraabiso in Shankaroontuna shaxaad ka dhergi lahayd, Xabashiduna xulbad ka dhergi lahayd.

Labadan wadan oo horeba hoosta isaga jiqi jiray hab wado la’aan ah, hase yeeshee in dhaweyd ay ihaaligta Itoobiya albaabka xidhatay oo ereg siyaado ah la timid afaafka, inkasta oo imika ay ka gudbaan Markab garow iyo Gaasaarba siday oo Shankaroontuna xamaalista ka qaxweysay.

Kenya
Hogaamiye kooxeedka Kiiniya, Kildhigaan ee horjooga kooxaha kobtiisa ku shirsan, ayaa ayaan dhaweyd ku luuqeeyay dastuur la sheegay in loo sameeyay waxa loogu yeedhay ‘Dawladda Maqan (Luus Garmantal; ay dhoonoo rebublic)’.

Kildhigaanku, wuxuu intaa ku daray, waxay kuwii horeba odhan jireen oo ahayd; “Inuu xuduudka ay leedahay bahasha uu samayn doonnaa noqonayo ilaa Shankaroon shishadeeda iyo in Soomaalidu isku ooli doonto sidii jab roodhi ah, kaas o afkuna noqon doono Maay iyo Mooyi.”

Hohogaamiye kooxeedka hogaamiya shirka hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya, wuxuu badhadhaqdiisa ku daray inuu Shankaroonta u yeedhi doono haddii ay yeelaan, kaas oo aan is idhi wuu iska garanayay in aan cidina ka rasaynayn, balse laga yaabo inuu ku sasabayo kuwa shirka ku jira ee waqooyibaa imanaya ku asaasaqay.

Jawaab Shankaroontu Kildhigan kadh kaga siisay ay ku tidhi; “Soori maay kaat; hadaad Soomaalida dhul la jeceshahay uga soo qaad inta Kiiniya ka haysato gobolka (NFD) guuji haabbaa, ugu dambayn, oh may small ambassidor.”

Dhinaca kale, C/laahi Beerloox ayaa la sheegay in gobollada bariga Shankaroonland uu ka wadwado falal u eg wixii wadamada Afrikaanku isku layn jiray, kaas oo malaha qiyaastiisa is yidhi, ciidan Afrikaan baa kuu iman doonee addiyad abuuro oo caqligiisa colaad ku shaqaysto, si uu beer bililiqo ah u helo.

Dhegaystayaal imikana waxaan iskiin daba joojin doonaa gabay iyo hees hooyo dhashay;

Hees
Waxa curiyay Ibraahim Axmed Xasan (Sangal)

Marka muruqda jaadka
Madhab lagu barqanayee
Majlis lagu xafiiltamo
Sheekada mirqaankiyo
Hadalada maqiiqani
Aan miidaanka loo deyin
Midna mooshinkiisaas
Muran lagama badiyee
Malahayga waayadan
Dadku malaha meeshiyo
Maqalkiyo dhagaysiga
Sida marada duuga ah
Dhaqankaaba muruxiyo
Madi iyo agoonoo
Anna maanso curinteed
Muxibo iima hayso
Foodyuub magaaliyo
Dhooraydaa maranee
Cirka mooradiisiyo
Maayada la garaneyn
Mawjadaha ad-adagiyo
Maxadadaha qaarkood
Uga miisi maayee
Marmariyo dhif uunbaan
Ma qaloocshahaasiyo
Macaariifta awgeed
Madadka u xasuustaa.

Meegaad galbeediyo
Todob marada laga furay
Dalmaseeye karan da’ay
Dhulkuu helay masruufkii
Uu macbuudku siin jiray
Muuqaalka bilicdee
Indhaha u macsuunka ah
Caleemaha magooliyo
Dhirta qaarba waa midab
Midhcaan garo’oo
Morohdiyo qunbaha guban
Maydiga sanaagiyo
Maygaaga jidhifta leh
Geydhaha maraagiyo
Madheedh uma ekaatee
Sow geedba midhihii
Isirkiisu maahayn
Isagaa miyiga jiree
Ma qaloocshe waydii.

Anna waxaan ka marag kacay
Hadaan mooska aadiyo
Hadaan Yurub ku maqanahay
Miiraaj hadaan koro
Kol hadaan mocoyday
Maraykaan cad noqonayn
Maxaan maaradooniyo
Gaal muyuusig tumayiyo
Maykal Jakson kaga dayan
Miyaan dhalashadeydiyo
Saantayda madowga ah
Iyo maariinka daafaco
Ku mitido cidaan ahay.

Maahmaahda waynoo
Murti loo adeegsado
Meegaarka golohoo
Dhallinyarada mayraca
Hal xidhaale iyo maad
Migil lagu caweysimo
Maaraynta gabaygiyo
Geeraar mulaaxdii
Abwaan maaxday suugaan
Meexaanada dhalaankiyo
Maqal iyo warlaay
Marwo gole ka boodoo
Habluhuna mashxaradiyo
Sacab ugu miciineen
Miyaydaan muraaqoon
Markay gaari leedahay
Miyaa ka baxaa
Alleylehe maya
Miyaan bun jirey
Alleylehe maya
Miyaan baal maray
Alleylehe may.
Maansada haweenkiyo
Madal laga buraanburay
Afkeenaa minhaajoo
Madadaaladiisaa
Maaweelo wacanoo
Madiix loogu heeso leh.

Gabay
Waxa tiriyay Asli Internet (Cali Duulduul)
Maraa na bajisaan
Iyo maraa nagula boodaanba,
Allayle Budlaaney
Annaga waa na barateene,
Badda iyo waxa nagu darteen
Meel bacaad badanne,
Burco iyo waxaad haybsataan
Agaha beereede,
Buuhoodle iyo Caynabaa
Duhur ka baaqdeene,
Baandiradaa ka taagteen
Dhulkii baawarka lahaaye,
Beled layska dhaco
Waa wixii laysku baarjaraye,
Bagistaan Hindiya waa waxay
Ugu bu’aysaaye,
Waa waxa barbaartii kacdiyo
Baashayaal dilaye,
Waa waxa balaayada dhexdhigay
Badhaha Soodaane,
Waa waxa Yuhuud kala baxdhiyo
Beesha Falastiine,
Burundiyo Ruwaandaa ku go’ay
Booli kala qaade,
Nimanyahow is biirsaday
Rag waa layska buriyaaye,
Biyo dhiijis waa ceeb
Adaan soo badheedh tegine,
Dagaal ba’an haddii uu dhaco
Laysku baalbaalo,
Waxay bararaflaysaba
Hadduu belelku qiiqaabo,
Birgeydhnimada aad sheegataan
Baabah bay noqone,
Baydaka iyo orodkaan ka biqi
Boholo jiidhkiiye,
Moorganiyo kuwaan baacsanaa
Baho wadaagtaane,
Boosaaso iyo waxaanu tegi
Bari guntiisiiye,
Baabuurta iyo waxaanu qaban
Gaadhiyaal badane,
Baaruud dhacaysiyo rasaas
Beerku qaban waaye,
Ninkastaba barwaaqay u tahay
Baarax nabadeede,
Baandada sideedii
Cidlaa balafsan doontaane,
Basar xumada dhigga
Yaan xanaaq buuraha jebine.

Afartaa ba’daan odhan jirayiyo
Bararaftaydii dheh,
Garandooyin wada boodayiyo
Gaadhiyaal badan dheh,
Baarlaman murmaayiyo
Daraan biidna tarahayn dheh,
Boondaro nin cunay iyo
Mirqaan bagagacdiisii dheh,
Bogag iyo qof jebis soo cunoo
Soo baraarugay dheh,
Beebee la gubay oo dul yaal
Boholo shaydaan dheh,
Baab kalana waa ganacsatada
Halaan ku soo beegay,
Nimanyahow bilaash lama hadlee
Waa is bixiseene,
Baal kastoo la eegaba
Dadkaa wada bakhtiiseene,
Baabuurta aad iibsateen
Boqol wax baa dheere,
Buush iyo hadeer kama dhacdaan
Sida Balaayeere,
Beledkiinii baa iibsateen
Kuna bakhaysheene,
Birmidhkii iyo cashuurtii
Hadaa baal ka maraysaane,
Nin walaalkii uu baahi qabo
Beylah iyo gaajo,
Badhti kama duwana
Xooluhuu buro u haystaaye,
Isbanbaasha weligiin
Wakhtigu ways bedelayaaye.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: “Dadkii Khibradda U Lahaa Maamulka Ciyaaruhu Suuqay Joogaan Ee Iyaga Wax Halaga Weydiiyo...”

Qore: C/Fataax M. Caydiid.

“Waxa jirtay mar aanu ku ciyaarnay magaca SNM oo aanu Direyskii Aanu Qaadanay u ekaysiinay Calankii SNM..”

Wareysi – Q: 3aad – Fu’aad C/laahi Ciise (Fu’aad Dhabo) Xidiggii Caanka Ahaa ee Xulkii Gobolka W/Galbeed Sideetameeyadii

Hargeysa (Haatuf) – Labadii cadad ee kan ka horeeyay waxaanu idiin soo gudbinay laba qaybood oo ka mid ah wareysi dheer oo aan la yeelanay Fu’aad C/laahi Ciise (Dhabo) oo ka mid ahaa ciyaartoydii caanka ahayd ee xulka Gobolka Waqooyi-galbeed sannadihii sideetameeyadii, maanta waa tan qayb kale oo ka mid ah wareysigaas:

S: Fu’aad intii aad Gobolka u ciyaaraysay, ciyaartii aad ugu jeclayd ugu xiisa badnayd tee ayay ahayd?

J: Waxay ahayd ciyaartii iigu xiisaha badnay ama aan ugu jeclaa ee aan is odhan karo way ugu wanaagsanayd ciyaartii aanu la ciyaarnay kooxda Muqdisho sannadkii 1985-kii, wareegii hore, ciyaartaas oo barbaro 3-3 ku dhammaatay, waxaana goolasha noo dhaliyay Nagiib Xabashi oo laba gool dhaliyay iyo Cismaan Waxar oo hal gool dhaliyay. Taas ayay ahayd tii iigu xiisaha badnayd.

S: Goolashii aad dhalisay intii aad u ciyaaraysay gobolka, goolkii ugu qurux badnaa kee ayuu ahaa?

J: Goolkii ugu wanaagsanaa ee aan dhaliyay waxa uu ahaa gool aan dhaliyay ciyaarihii 1985-kii oo aan ka dhaliyay xulkii Ceerigaabo ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay Is-aragii hore ee Hargeysa lagu qaybtay. Markaa waxa uu ahaa gool ay Soomaalidu tidhaahdo Laba-lugood (Bicycle-kick ama double kick). Anigoo diilinta 18aad saddex tallaabo dibadda ka jooga, ayaa waxa ku ii soo laaday oo baas isiiyay Alla ha u naxariistee C/laahi Daahir Dhidar oo iigu soo hagaajiyay laabta ama shafka, laakiin laabta kumaan qaban ee lugta ayaan ku dhuftay oo dhulka ku dhuftay, kubadiina kor ayay u kacday oo aniga madaxayga ayay kor u dhaaftay, dabadeedna hawada ayaan kaga daba tagey anigoo sii jeeda oo goolkuna iga dambeeyo, waxaanan ku soo dhuftay Laba-lugood, kadibna anigoo oo dhulka ku sii dhacaaya ayaan arkayay kubadii oo sii galaysa goolka dhinacii goolwaduhu joogay maahee dhinacii kale, kaas ayuu ahaa goolkii iigu wanaagsannaa ama ugu quruxda badnaa goolashii aan dhaliyay.

S: Wakhtigii aad Qurba-jooga ahayd haddii aynu u soo noqono, wax ma nooga sheegi kartaa sidii aad uga qayb-qaadan jirtay ama aad u sii wadatay hiwaayadaada ciyaaraha?

J: Waxaan dalka ka dhoofay 1982-kii, bishii lixaad horraanteedii, waxaanay xilligii aan ugu ciyaarta wanaagsanaa. Markii aan dalka Qatar tegay, waxaa la ii geeyay Naadiyadii dalkaa ka dhisnaa ee waaweynaa, kadibna waxay yidhaahdeen ninkani waa Ajanebi, ciyaartoyda Ajanebiga ahna dibadaha ayaanu ka soo iibsannaa, Adiguna dalka ayaad joogtaa oo Ciqaamad ku joogtaa, dabadeed waxaan ku idhi tijaabo hala iga qaado, balse imay yeelin oo waxay ku adkaysteen in ay Ajanebi ahay oo weliba Soomaali aan ahay, markaa ay iyagu dibadda ka soo qaataan Ajaanibka. Sidaas ahaan ayaanan kooxihii waaweynaa ee Qatar ka dhisnaa ugu biirin.

S: Ma sidaas ayaad ku dhaaftay, mise waxa jirtay kooxo kale oo aad ku biirtay, sida kuwa Jaaliyadda Soomaalidu leedahay?

J: Maya sidaas ku dhaafin, ee markii ay sidaa ay noqotay, ayaan arkay koox Jaaliyadda Soomaalidu leedahay oo ay markaa u ciyaarayeen ciyaartoy reer Xamar ahaa oo qaarkood xulkii Qaranka Soomaaliya u ciyaarayeen, kadibna markaas ayaan kooxdii Jaaliyada Soomaalida ugu biiray, waxana jirtay koob loo dhigi jiray Jaaliyadaha dalka Qatar deggan oo bisha Ramadaan la qaban jiray, ciyaartii ugu horeysayna waxaan u ciyaaray kooxdaa Jaaliyada. Inamada kooxdaa ku jiray oo Qarankii u badnaa, waxa ka mid ahaa: Maxamed Ismaaciil (iskoob), Xasan Cafiif, Bashiir Jeenyo. Markaa sannadkii 1982-kii ilaa iyo intii aan imanayay ee dalka aan ku soo noqday 2002, waxaan u ciyaarayay kooxda Jaaliyadda Soomaalida ee ka jirta Qatar oo aan kabtan kooxdana ahaa. Waxa kaloo jirtay shaqada aan shaqaynayay oo ahayd Askarinimo, waxa lagu qaatay lugtayda oo ciyaarta kubadda cagta ah, taas ayaana shaqada la igu qoray oo Qaybtii aan ka tirsanaa kooxdeeda kubadda cagta ayaan u ciyaari jiray.

S: Fu’aad kooxdaa Jaaliyadda Soomaalida, intii aad u ciyaaraysay wax guulo ah ma soo hoyseen?

J: Kooxda Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Qatar, runtii waxay ahayd kooxaha ugu cad-cad oo laga baqo, waxaananu qaadnay ilaa sideed koob, xataa haddii aanu koobka qaadi wayno kaalinta labaad ayaanu geli jirnay, waanay yarayd intaanu galnay kaalinta saddexaad, laakiin inta badan labada kaalmood ee u horeeya ayaanu geli jirnay.

S: Fu’aad, wakhtigii ay xornimada dib ula soo noqotay Somaliland 1991-kii intii ka dambaysay, kooxda Jaaliyaddu ma Jaaliyadda Soomaaliya ayuun baad ku ciyaari jirteen, mise waxa jirtay koox gaar ah oo ay Jaaliyadda Somaliland lahayd?

J: Horta, marka aanu dibadaha ama dalkaa Qatar joogno Soomaali ahaan ayaanu ku shaqaysanaa oo baasaboorka Soomaaliya uun baa naga dhexeeya, dadka dalka aanu joognaana Soomaali ayuun bay noo arkayeen, markaa Jaaliyad ahaan ka mid uun baanu ku ciyaarnaa oo ah Jaaliyadda Soomaalida. Laakiin, waxa jirtay mar aanu ku ciyaarnay magacii SNM, oo aanu calankii SNM garamada, nigisyada iyo shiribaadada ka dhignay oo ekeysiinay saddexdii midab ee calanku ka koobnaa, iyadoo xataa astaantii SNM ay noogu taallay halkaa laabta oo dhinaca bidix ee naaska dushiisa ah. Balse, dadka Carabta ah ee halkaa joogay may garanayn waxa ay SNM tahay, intii aanu ka dhaadhicinay mooyaane. Intii markaa ka dambaysay, waxaanu ku ciyaari jirnay uun magaca Jaaliyadda Soomaalida, ilaa wakhtiganna sidaa ayaan baa lagu ciyaaraa.

S: Ciyaartoyda reer Somaliland ee kooxdaa aad kabtanka u ahayd ee Jaaliyada Soomaalida ku jirta, kuwa ugu cad-cad wax ma nooga sheegi kartaa?

J: Haa, inamadii ugu cadcadaa ee haddii aanay ku jirin ay adkayd sida aanu u badinaa, waxa ka mid ahaa; Maxamed Gamadiid Jaamac iyo Siciid Jaamac oo dhexda ka ciyaara, dhinaca baagga Xasan-keyse Sh. Cali (Ilka case) oo difaaca ka ciyaari jiray, inamada kale ee ugu cadcadaa way badan yihiin, laakiin kuwa dhexda ee ugu wanaagsannaa ee aanu wada ciyaari jirnay kuwaa aan kuu soo magacaabay weeyaan.

S: Kaalinta aad ka ciyaari jirtay wakhtigaa aad kooxda Jaaliyadda u ciyaari jirtay, halkee ayay ahayd?

J: Anigu kaalinta aan ciyaari jiray min 1982-kii ilaa 2002-kii waxay ahayd khadka dhexe, waxaanan badannaa qaadan jiray lambarka 10aad.

S: Fu’aad, wakhtiyadii dalka lagu soo noqday, marka aad fasaxyada ku timaado maxaad dhallinyarada kubadaha aad u qaban jirtay?

J: Markii dalka lagu soo noqday 1991-kii, wixii ka dambeeyay fasax ahaan ayaan ku iman jiray, markaan imaadana laga bilaabo sannadkii 1993-kii ilaa 1999-kii waxaan dhallinyarada ama kooxaha heerka koowaad ee kubadda cagta oo ahaa ilaa 12 naadi oo heerka koowaad ah u qaban jiray koob aan ugu magac daray Alle ha u naxariistee kabtankii Xulka W/Galbeed C/laahi Daahir Dhidar, sannadkastana waan qaban jiray, markaa waxaan u keeni jiray Koobab, direys ciyaartoyda oo ay kala heli jireen, shabagyada, kubadaha, iwm.

S: Fu’aad, markaa ma adiga uun baa kharash ahaan isu qabay, mise cid baa kaa caawin jirtay qalabka intaa le’eg?

J: Maya, cidi igamay caawin jirin ee aniga ayuun baa keligay isu qabay kharashka qalabka iyo ka halkan marka la qabanayo. Dhinaca garsooranimadana waxa iga caawin jiray oo aniga ila qaban jiray inamo ay ka mid ahaayeen; Alla ha u naxariistee Cumar Booto-booto iyo C/rashiid oo imika wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha ka tirsan.

S: Intii ka dambaysay 1999-kii, maxaad u qaban wayday koobkaa xuska ahaa ee C/laahi Daahir (Alla ha u naxariistee)?

J: Runtii, wakhtiyadaa hore may jirin Wasaarada Ciyaaruhu, oo waxay hoos tegi jirtay Wasaarada Waxbarashada, balse imika wasaarad gooniya ayay yeelatay, ta kale waxa jiray wakhtigaa 12-naadi oo heerka koowaad ah, aniguna shakhsi ahaan ayaan u qaban jiray, balse intii wasaarada la sameeyay, waxay yidhaahdeen lama qaban karo tartan ama koob ilaa ay annaga nala soo ogeysiiyo ama aad na soo marti mooyaane. Berigii horena, waxaanu qaban jirnay iyadoo qori la sito, waxna may dhici jirin, dadkuna iyagaaba ciyaaraha jeclaa oo iman jiray si ay jaadka iskaga maaweeliyaan. Mida kale, kooxihii 12 naadi ahaa, waxaa la isugu celceliyay oo laga soo reebay laba kooxood oo keliya oo ay dawladdu qaadatay oo Milateriga iyo Bilayska u ciyaara, dhallinyarada intii kale way niyad jabeen oo wax iskaga tagga iyo wax iska qayila ayay noqdeen, manaan arag ilaa intii aan imika joogay naadi saddexaad ama afraad oo la leeyahay waa heerka koowaad.

S: Guud Ciyaaraha Somaliland, gaar ahaan kubadda cagta, sidee ayaad u aragtaa adigu Fu’aad ahaan?

J: Anigu waxaan qabaa in dhallinyarada xilligani wakhtigoodu ka wanaagsan yahay wakhtiyadii aanu annagu ciyaari jirnay oo dadka daawanaya ama xiiseeya ciyaaruhu ka badan yihiin wakhtigii aanu ciyaari jirnay. Mida kale, waxay nagaga wanaagsan yihiin oo ay haystaan imika waxyaabo aanan heli jirin, sida; telefisiyoon laga daawado ciyaaraha adduunka, tababar hagaagsan oo aanaan annagu heli jirin, oo waxaanu eegan jirnay sida ay u ciyaarayaan kuwii naga horeeyay; garoomo wanaagsan ayay haystaan oo aanaan anagu heli jirin, xataa garamada iyo kabaha sidaanu u heli jirnay way adkayd, iyagana maanta waxa jira meherado soo dejiya direyska iyo kabaha oo ay ka heli karaan. Markaa waxay ahayd in ay naga wanaagsanaadaan, haddana mararka qaar ayaad is odhanaysaa malaha kuwiinii horraaba dhaamay, mana garanaysid meel ay ka liigayaan.

S: Fu’aad, Maxaad u malaynaysaa inuu hoos u dhigay dhallinyarada maanta, iyagoo aad sheegtay in ay idinka wakhti wanaagsan yihiin?

J: Horta, qofku marka uu ciyaartoy yahay waa la dhiiri-geliyaa, iyadoon wax la tari karin ama wax kale loo qaban karin, haddana hadaad dhiiri-gelisid oo maskaxda u dhistid wuxuun buu keeni karaa. Laakiin ma arkaysid cid dhiiri-gelinaysa ama maskaxdooda dhisaysa, mid kastaana wuxuu ku odhanayaa cid wax noo sheegtana ma hayno, cid tababar hagaagsan na siisana ma hayno. Markaa annaguba tababar hagaagsan cidi nama siin jirin oo iskayo ayaanu u ciyaari jirnay wiigii 3 ilaa 4 jeer, marka ciyaaraha gobollada oo nala xareen jiray oo tababar yar nala siin jiray mooyaane, haddana iyagii oo tababar la siinayo, qalabkii haysta oo helaya ayaad arkaysaa in wax ka dhiman yihiin. Mida kale, annagu berigii hore, balwado jaad iyo sigaar maan lahayn, kii balwad lihiina inta la ciyaarayo muu isticmaali jirin. Markaa kuwan maanta taasina way u dheertahay ayaan u malaynayaa oo balwada jaadka iyo sigaarka ayaa iyaduna wax u dhintay.

S: Fu’aad, adigu ma isku dayday inaad tababar ahaan ama talo ahaan ka qayb-qaadato oo aad kooxaha dalka ka jira u fidiso, maadaama aad khibradii dibadaha aad leedahay oo tababaro Ajanebi soo qaadatay?

J: Horta, tusaale ahaan ninka reer Hargeysa ee maanta tababaraha ah iyo ka dibada ka yimaada ee wax tababara way kala duwan yihiin, oo kii Hargeysa tababarkiisu waa kii isagu uu qaatay ee Ciyaartoyda Hargeysa lagu tababari jiray, laakiin ka dibada ka yimaadaa, sida aniga oo kale, waxaan wataa khibradii dibada, ciyaartoy reer Hargeysana waan ahaa, in aan afka uga sheeg-sheego dhallinyarada mooyaane, ma heli karo jaani aan koox ku tababaro, waayo, laba kooxood oo keliya ayaa jira, labada kooxoodna laba tababare ayay leeyihiin, mana ogola cid kale oo iska soo dhex gasha oo tababar ama wax kaleba iska siisa, markaa waa inaad u daysaa inamadii loo qorsheeyay, hadaad doonaysidna waa inaad u tagtaa la ciyaartaa, iskana soo baxdaa, dhallinyarada kii wax ku weydiiya aad u sheegtaa, kuwaas oo aad arkayso iyagoo wixii aad u sheegtay sameynaya oo ka faa’iidaystay.

S: Fu’aad, Maxaad kula talinaysaa dhallinyarada wadanka ee maanta ciyaara ciyaaraha?

J: Runtii, waxaan odhan lahaa; Annagu markii aanu ciyaari jirnay balwad Jaad iyo sigaar midna maanaan lahayd, markaa jaadka iyo sigaarka iska daaya oo ciyaaraha iska ciyaara, haddii aad deyn kari waydaana wiigii maalinta Jimcaha oo kale iska nasta, laakiin balwada ha iska daayeen, markaasay ciyaar qurux iyo wanaagba leh ciyaari karaan.

S: Maamul ahaan, iyagana maxaad kula talin lahayd?

J: Horta, qof walba waxaa wanaagsan in wixii uu garanayo loo dhiibo, tusaale; ahaan haddii maanta aniga oo ciyaartoy ah la ii dhiibo dhakhtarka, kadibna haddii aan cidii garanaysay ama cilmiga u lahayd la tashan waayo, oo afar aan garasho ku keenay ka shaqaysiiyo, waxba socon maayaan, marka la I weydiiyo, maxay wax u socon waayeen, waxaan keeni karaa sabab, waxaan odhan karaa dhaqaale la’aan ayaa jirta. Laakiin haddii, aan cidi cilmigeeda haysay aan la tashado waxba xumaan maayaan, anigu maamulka sare uun baan hayn karaa, iyaguna shaqadooda ay cilmiga u leeyihiin ayay wax ku wadi lahaayeen. Waxa jirtay, mar aan wasaarada tegay oo aan weydiiyay waxa dhibaatadan hoos u dhaca keenay, inkastoonaan masuuliyiintii sare is arag, balse shaqaalihii kale ee maamulka ciyaaruhu waxay ii sheegeen in ay dhaqaale la’aan tahay. Taasina waxaan odhan karaa, waa taa aan ka hadlayay, berigii aanu annagu ciyaari jirnay cidi dhaqaale namay siin jirin, annaga ayaan la soo bixi jirnay, xataa masuulkayagu wixii uu u baahdo annaga ayuu na weydiin jirin, sanduuq ayaanu samaysan jirnay aanu ku urursano dhaqaalahayaga. Haddaba, waxaan kula tallin lahaa maamulka, waar dadkii shaqadan garanayay suuqa ayay wada joogaan ee haloo yeedho oo talada ha la weydiiyo, oo halagala tashado siday wax u hagaagi karayaan, xataa anigaygan imika waan hayaa fikrad dhaqaale lagu heli karo, laakiin cid aad u sheegto heli maysid oo ku kaa dhegaysata.

S: Fu’aad, ciyaarta kubadda cagta marka laga tago ciyaaraha kale ee aad ciyaari jirtay maxay ahaayeen?

J: Soomaali ahaan inagu kubadda cagta ayaynu ugu jecelnahay, laakiin waxa jirtay inaan kubadda Laliska aan u ciyaari jiray gobolka w/galbeed sannadkii 1985-kii, waxa kale oo aan ciyaari jiray Kubadda Koleyga oo aan u ciyaari jiray Jaaliyadda Soomaalida ee Qatar, oo aanu annagu cadcadeyn oo xataa xulka qaranka Qatar ayaa na soo dalban jiray oo aanu la ciyaari jirnay oo mararka qaarkood ka badin jirnay, iyo kubadda haanboosha (handball) oo aan iyadana ciyaari jiray. Waxa iyaduna jirtay oo aan Qaybtii aan ka shaqayn jiray aan u ciyaari jiray ciyaaraha fudud ee bootada sare oo aan boodi jiray 1.90cm (mitir iyo sagaashan sentimitir) iyo bootada hoose oo aan iyada boodi jiray markii iigu dheeray 6.84 meter (lix mitir iyo afar iyo sideetan sintimitir). Laakiin imika halkan ma arag meelo lagu ciyaaro. Lalis, handball, ciyaarahaa fudud, koleygana waxa ciyaara uun carruur yaryar.

Markaa kubadda cagta uun baan iska ciyaaraa inkasta oo aan cuslaaday, laakiin naftayda ayuun baan u ciyaaraa, mararka qaar labada naadi marka ay tababarka qaadanayaan ayaan iskaga tagaa iskala ciyaaraa.

Top