| Somaliland: Nacab Mici-Lisanaya, Dayaca Muuqda, 
    Mawqifyada Balan-Baalista Ah Iyo Siyaasadda Baalku Ka Qoyan Yahay 
    Madaarka Burco Iyo Duruufaha Dhexyaal Gudoomiyaha Gobolka Awdal Oo Booqasho 
    Ku Maraya Baki  Caynabo: Khilaafka Soo Jiitamay Iyo 
    Isbedelka Lagu Sameeyay Maayarkii Iyo Ku-Xigeenkiisii  34 Qof Oo Ku Dhintay Kulayl Ku 
    Habsaday Dalalka Yurub Barlamaanka Carta Oo Xilkii Ka Qaaday 
    Deerow Iyo Xasan Abshir Taiwan Oo Dedaal Ugu Jirta Sidii Ay 
    Ugu Biiri Lahayd Qaramada Midoobay Madaxweyne Bush oo Ay Hoos U Dhacday 
    Shacbiyadiisu Iyo Xaaladda Ciraaq Oo Uu Ka Hadlay Mucaaridka Liberia Oo Ku Gacan Saydhay Inay 
      Xabadda Joojiyaan Dawladda Koonfur Afrika Oo Ogolaatay 
      Dawooyinka AIDS-Ka Shir Lagaga Soo Horjeedo Shirka Soomaalida 
      Ee Kenya Oo Ka Dhacay Isla Dalkaas  Maxkamad La Soo Taagay 5 Qof Oo Ku Eedaysan 
      Qaraxyadii Mombassa Ee Dalka Kenya  Golaha Degaanka Hargeysa, Iyaga Ayey Ceebtu 
      Ku Dambayn Doontaa. WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – 
      Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 10aad Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala 
      Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka,
      Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale, Q: 5aad Waadiga Ciyaaraha:
      Kooxaha Xulka Sheekh Iyo Hargeysa Spring Water Oo 1-1 Isla Dhaafi Waayey                 |  | 
 
        
          | Somaliland: Nacab Mici-Lisanaya, 
          Dayaca Muuqda, Mawqifyada Balan-Baalista Ah Iyo Siyaasadda Baalku Ka 
          Qoyan Yahay |  Hargeysa (Haatuf): Xubnihii ugu horeeyey ee 
      salaadiin reer Somaliland ah ayaa todobaadkii hore u dhoofay shirka Kenya 
      ee kooxaha Soomaaliya, iyaga oo halkaa ku tegay casuumad la sheegay inay 
      ka heleen shirkaa, waxayna xubnahaasi ahaayeen wefti garaado ah oo reer 
      Sool ah.Weftiga garaadada ah oo uu horkacayey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa 
      kale oo xubno ka ahaa Garaad Abshir Saalax iyo nin la yidhaahdo Boqor 
      Daba-gooye, waxayna ka bixitimeen magaalada Laascaanood.
 Inkasta oo aanay si rasmi ah u soo shaac 
      bixin, haddana waxay wararku tibaaxeen in qaar badan oo ka tirsan 
      salaadiinta reer Somaliland lala soo sameeyey xidhiidho, kuwaas oo lagu 
      muslaxayo inay ka soo qayb galaan shirka Nairobi, laakiin ilaa hadda inta 
      la ogyahay waxa baqoolay dhawrka Garaad ee Laascaanood ka tegay, waxaase 
      jira xubno kale oo laga dareen qabo inay u hanqal taagaan tegista shirka. 
      Shirkaa hadda Nairobi ka socdaa oo noqonaya shirkii 14aad ee loo qabto 
      kooxaha Soomaalida waxay kooxaha qaban qaabinaya ee ururka IGAD iyo 
      midawga Yurub ay ka mid yihiin ku halan-halayaan inay shirkaa ka soo saari 
      doonaan dawlad, dawladaana ay dhabta saari doonaan si ay u noqoto mid 
      shaqaysa.
 Inkasta oo aanay Somaliland shirkaa qayb ka ahayn bilawgiina la sheegay 
      inuu shirkaasi yahay mid loo qabtay kooxaha Soomaaliya oo kaliya, balse 
      aanay Somaliland ku shaqo lahayn, haddana dhawrkii todobaad ee ina dhaafay 
      waxa soo yeedhayey sawaxan iyo qaylo ka imanaya kooxaha Soomaalida ee 
      halkaa ku shirsan, kuwaas oo leh waa in ilaw iyo ilawba Somaliland meesha 
      la keenaa, iyaga oo shir gudoonka shirkaa oo ah diblomaasi reer Kenya ah 
      ku eedeeyey inuu Soomaalida kala googoynayo, iyaga oo tusaale u soo 
      qaadanaya Somaliland oo shirka ka maqan. Taasina waxay keentay inay 
      guddiga IGAD ee shirka hogaaminayaa yidhaahdaan waxaanu Somaliland u 
      diraynaa wefti ku soo qanciya inay shirka yimaadaan, laakiin taa dawladda 
      Somaliland waxay kaga jawaabtay inaanay weftigaa qaabilayn, kalana hadlayn 
      mawduuca ay u socdaan, sidaa daraadeed weftigaasi ilaa hadda may iman, 
      lamana oga inay baaqdeen iyo inay iman doonaan.
 
 Ninka madaxda ka ah maamulka goboleedka Puntland C/Laahi Yuusuf Axmed oo 
      ka mid ah ragga uu shirka Nairobi u siraadan yahay, kuna rajo weyn inuu 
      helo mid ka mid ah xilalka ugu sareeya ee dawladda lagu dhololayo in 
      halkaa laga dhiso, ayaa dhawaan ku dhawaaqay gobol cusub oo uu ugu yeedhay 
      Cayn, kaas oo uu sheegay inay magaalo madaxdiisu tahay degmada Buuhoodle, 
      uuna yahay gobol ka tirsan Puntland, isla markaana C/laahi Yuusuf waxa uu 
      shirka Kenya hor dhigay hindise odhanaya waa in ciidamada nabad ilaalinta 
      ee ay Afrikaanku doonayaan inay keenaan Soomaaliya la geeyo gobolada Sool 
      iyo Sanaag, isaga oo ku andacoonaya inuu deegaamadaa xukumo, oo ay yihiin 
      meelo ka tirsan maamul goboleedkiisa.
 
 Su’aasha haddaba is-weydiinta lehi waxay tahay, haddii shirka Nairobi laga 
      soo tol-tolo dawlad la mid ah tii lagu soo tol-tolay tuuladda Carta ee 
      dalka Djibouti sannadkii 2000-kii, dawladdaasi saamayn intee le’eeg ayey 
      ku yeelanaysaa Somaliland. Laakiin inta aynaan horta su’aashaa ka jawaabin 
      aynu dib u eegno saamayntii ay Somaliland ku yeesheen maamuladii lagaga 
      dhawaaqay meelo ka mid ah Soomaaliya, sida maamul goboleedka Puntland oo 
      lagu dhawaaqay sannadkii 1998-kii iyo maamulkii kooxda Carta ee Muqdisho.
 
 Markii la dhisayey maamul goboleedka Puntland ee xaruntiisu tahay Garoowe 
      waxa shirkii lagu dhisayey ka qayb galay wufuud laxaadleh oo ka kala tegay 
      gobolka Sool iyo degmooyinka bariga Sanaag oo ay degaan beelaha Hartiga 
      Somaliland, waxaana wufuudaa hogaaminayey garaadada beelahaa, iyada oo ay 
      inta badan garaadada waaweyn ee Reer Sool shirkaa tageen, kuna dhawaaqeen 
      inay ka mid yihiin maamul goboleedka Puntland, halka uu dhinac kalena 
      suldaanka beesha Warsengeli Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan isna shirkaa u 
      horkacay wefti culus oo beeshiisa ah.
 
 Sidoo kale shirkii tuuladda Carta ee kooxaha Soomaaliya waxaa iyaguna ka 
      qayb galay inta badan Garaadada waaweyn ee reer Sool, iyo salaadiin ka 
      tirsan deegaamada galbeedka Somaliland, sida Suldaan Maxamed C/Qaadir, (Hargeysa) 
      Suldaan Saleebaan oo reer Boorama ah
 Waxa kale oo maamulkii C/Qaasim ee Carta lagu dhisay masuuliyiin sar-sare 
      ka noqday siyaasiyiin reer Somaliland ah.
 
 Inkasta oo ay madax dhaqameedyada reer Somaliland gaar ahaan beelaha 
      bariga Somaliland intooda badani wax ka saxeexeen shirkii Burco ee lagaga 
      dhawaaqay madax banaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, haddana taa 
      kuma ay ekaan ee inta badan si xoog leh ayey ugu milmeen maamul kasta oo 
      lagaga dhawaaqay meel ka mid ah Soomaaliya. Sidoo kale waxa jira rag fara 
      badan oo isaga kala gudbay maamulada Soomaaliya laga dhisay iyo maamulka 
      Somaliland, kuwaas oo la odhan karo waa niman aan xuduud lahayn.
 
 Waxa kale oo intaa dheer inay jiraan rag haddii ay doonaan maamulka 
      Somaliland iyo maamulada Soomaaliya ka jira labadaba xilal ka haya.
 
 Tusaale ahaan wareegto uu 25-kii July, 1999-kii soo qoray C/laahi Yuusuf 
      Axmed oo uu ku magacaabayo xubnaha maamulka Ceerigaabo waxa uu ku sheegay 
      inuu maamulka degmada Ceerigaabo u magacaabay: Cabdi Maxamed Guutaale 
      Maayarka, Axmed Aw Cali Aadan ku xigeen, Cismaan Xasan Cadde xoghayaha 
      Dawladda hoose, Maxamed Cabdi xisaabiyaha degmada Ceerigaabo, Faarax Hawre 
      khasnajiga degmada, isaga oo C/laahi Yuusuf sheegay inay degmooyinka 
      gobolka Sanaag maamulkiisa hoos yimaadaan, wuxuuna maamulkiisu bilawgii 
      taageero ka helay dadka ku dhaqan deegaamada bariga Sanaag oo ay 
      abtirsiimo wadaagaan. Laakiin inkasta oo ay beelaha bariga Somaliland si 
      buuran uga qayb galeen dhismaha maamulka Puntland haddana taa kumay 
      joogsan ee waxay markale aad u doogsin raaceen maamulkii Carta ee la magac 
      baxay dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya. Tusaale ahaan waraaq uu 
      4-tii March 2001-kii qoray suldaanka beesha Warsengeli Suldaan Siciid 
      Suldaan C/Salaan waxa uu ku magacaabay madaxda maamulka ee degmooyinka 
      bariga Sanaag, isaga oo waraaqdaa ku socodsiiyey madaxweynaha iyo ra’iisal 
      wasaaraha dawladdii kooxda Carta, waxayna waraaqdaasi u qornayd: 
      “mudanayaal waxaynu hore uga wada hadalnay telefoonka, waananu guda-galnay 
      hawlihii, aniga iyo shacbigayguna boqolkii boqol waanu taageersanahay 
      dawladda, waxaananu diyaar u nahay waxkasta oo lagu horumairnayo dalka.
 
 Waxay balanteenu ahayd inaan idiin soo gudbiyo liisaska ciidanka booliska 
      iyo maamulka, laakiin ciidamada booliska waxaan u xilsaaray inuu soo qoro 
      sarkaalka Magaciisa la yidhaahdo C/laahi Cumar Cashuur, isagaana dhakhso 
      idiinku soo gudbin doona, ka dib marka uu I soo mariyo waxaan ku soo 
      hagaajinayaa Yuusuf Axmed Sareenle”.
 Sidaa awgeed sida ku cad qoraalka Suldaanka gudoomiyaha degmada Laasqoray 
      ee maamulkii kooxda Carta waxa loo magacaabay Cawil Maxamuud Cali Shire, 
      ku xigeena Axmed Maxamed Axmed, xoghayaha dawladda Hoosena Cabdale 
      Maxamuud Cabdi, iyo afar xubnood oo kale, laakiin ninka uu maamulka Carta 
      u magacaabay maayarka Laas-qoray haddana waxa uu xil sare ka hayaa 
      dawladda Somaliland.
 
 Sidoo kale Maxamed Diiriye Xasan waxa uu maamulka Carta u magacaabay 
      maayarka Degmada Badhan, laakiin dawladda Somaliland-na wuxuu ugu 
      magacaabanyahay taliyaha guutada 93-aad ee gobolka Sanaag ee ciidanka 
      Qaranka, sidoo kale ninka la yidhaahdo Muuse Jaamac waxa uu hayey taliyaha 
      qaybta ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag, haddana taliyaha 
      ciidanka daraawiishta kooxda Carta, sidoo kale Axmed Aadan taliye xigeenka 
      ciidanka booliska Somaliland ee gobolka Sanaag, haddana taliyaha ciidamada 
      daraawiishta ee kooxda Carta.
 Laakiin intaas oo qudha maaha ee rag badan oo xilal ka soo qabtay 
      maamulada lagaga dhawaaqay Soomaaliya ayaa haddana xilal ka haya 
      Somaliland.
 
 Inkasta oo aanay ka qayb gelida maamulada ka dhanka ah Somaliland aanay 
      gooni u ahayn dadka deegaamada bariga Somaliland, haddana waxaan la dafiri 
      karin inuu degaamada barigu yihiin hoy qal-qale, waxaana jirta duruufo iyo 
      mawaaqif ay kaga duwan yihiin Somaliland inteeda kale, waxaana duruufaha 
      ka kaw ah iyada oo aanu maamulka Somaliland marna si wanaagsan u gaadhin 
      deegaamada bariga, laakiin waxa had iyo goor jirta dood soo noq-noqota oo 
      odhanaysa, beelaha Hartiga Somaliland miyaa la fogeeyey, mise iyagaa 
      axdigii ka baxay.
 
 wakhtigan xaadirka ahna aad ayuu dhaq-dhaqaaqa C/laahi Yuusuf ugu soo 
      fidayaa bariga Somaliland. Tusaale ahaan ciidamo tikniko wata oo ka tirsan 
      maamulka C/laahi Yuusuf ayaa hadda fadhiya tuulada Guumays oo ku taal meel 
      u dhaxaysa magaalooyinka Caynaba iyo Laascaanood.
 Waxa kale oo la ogyahay inay dawladda Somaliland maamulayaashii iyo 
      ciidamadii fadhiyey gobolka Sool ka soo rartay, oo ay keentay magaalada 
      Caynaba, taasina waxay meesha ka saartay waxoogaa saamayn ah oo uu 
      maamulka Somaliland ku lahaa halkaa, laakiin warar kale ee halkaa ka 
      imanayaa ayaa sheegaya inay maleeshiyaadka Caynaba fadhiya in badan oo ka 
      mid ahi ay ka diiwaan gashan tahay ciidamada C/laahi Yuusuf.
 
 Ta kale maamulka C/laahi Yuusuf waxa uu inta badan cashuur ka qaadaa 
      gobolka Sool, wuxuuna ciidamadiisa kantoroolada gobolka Sool fadhiya u 
      sheegay inay cashuurta qaataan, laakiin taa macnaheedu maaha inuu maamulka 
      C/laahi Yuusuf awood aad u shilis ku leeyahay deegaamada bariga 
      Somaliland, waxaase lagu tilmaami karaa inuu si weyn u fadhataystay, 
      hadana ugu soo fidayo, iyadoo dhinaca kalena aad moodo inuu dhaqdhaqaaqa 
      maamulka Somaliland maalinba maalinta ka dambaysa meelo cusub oo uu awel 
      saamayn ku lahaa ka sii tasoobayo, taasina ay ku timid dayac ka yimid 
      dhinaca maamulka Somaliland, sidaa awgeed su’aasha meesha imanaysaa waxay 
      tahay haddii maamul ku sheeg laga soo dhab-dhabo xaafada Imbagathi sidee 
      buu Saamayn ugu yeelanayaa Somaliland.
 
 Runtii haddii halkaa maamul lagu soo dhab-dhabo oo uu ku soo beegmo iyada 
      oo ay xaaladdu caynkan tahay waxa hubaal ah inuu aad u fadhataysan karo 
      deegaamo badan oo Somaliland ah, gaar ahaan deegaamada bariga Somaliland, 
      oo ay had iyo goor maamulada samaysmaa saamayn ku yeeshaan.
 
 Inkasta oo ay dad badan oo arrimaha siyaasadda indha-indheeyaa maamulka 
      shirka Kenya laga soo dhab-dhabo ku tilmaameen mid aan waxba ka duwanaan 
      doonin kii kooxda Carta ee meel-na u dhaafi kari waayey xaafadda Kaaraan 
      ee magaalada Muqdisho, haddana haddii aanay dawladda Somaliland iyo 
      dadkeeduba istiraatiijiyad adag ka yeelan, wax kasta oo kaga iman kara 
      maamul halkaa laga soo magacaabo, waxa meesha iman doonta dil-dilaac hor 
      leh oo ku yimaada Somaliland iyo deegaamadeeda, waayo waxaan la difiri 
      karin dayaca maamul iyo habaca siyaasadeed ee maanta ka jira Somaliland, 
      waxaana dad badan oo ka mid ah dadka arimaha siyaasadda Somaliland ka 
      saadaaliya u muuqda werwer badan oo la xidhiidha wacyiga siyaasadeed ee 
      Somaliland dul-hadhsanaya, waxaynuse ku war-sugaynaa bal waxa ay 
      arimahoodu ku dambeeyaan Somaliland iyo nacabka u soo micilisanaya, 
      mawqifyada ballan-baalista ah ee dadka qaarkii, dayaca shilis ee muuqda 
      iyo siyaasadda baalku ka qoyan yahay ee hogaanka Somaliland.
 Top
       
 
        
          | Madaarka Burco 
          Iyo Duruufaha Dhexyaal |  Burco (Haatuf): “Dhabbaha marka ay diyaaradi 
      soo degtaba waanu u daba marnaa oo waxaanu ku samaynaa dayac-tir, waayo…”, 
      sidaa waxa yidhi maamulaha madaarka magaalada Burco, C/raxmaan Yaasiin 
      Axmed oo ka jawaabaya su’aalo laga waydiiyey xaaladda madaarka Burco, 
      iyadoo ay madaarka Burco ka muuqdaan duruufo shilis oo dhinacyo badan leh. 
      Laakiin A. Ducaale oo dhowaan booqasho ku tegay magaalada Burco ayaa 
      warbixin nooga diyaariyey xaaladda madaarka Burco, isaga oo maamulaha 
      madaarkaana wax ka waydiiyey xaaladda madaarka, waana tan warbixintii:
 “Dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan waxa dusha kaga daadsan quruuraxa loo 
      yaqaan jayga, taas oo ay diyaaraha halkaa ka soo degaa isticmaalaan dhabbe 
      aan laami ahayn, isla markaana madaarka Burco ma laha dayr bilixijaab uga 
      noqda dadka iyo xoolaha debedda kaga iman kara, laakiin duruufaha madaarka 
      Burco haystaa intaa kuma koobna waxaana dhibaatooyinka haysta ka mid ah 
      dhul-boob ba’an oo saameeyey baaxaddii madaarka, taasina waxay keentay in 
      dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee ay degsiimadu u soo jirsato ilaa 25 M. 
      sidoo kale madaarku ma laha baabuur dambis. “Baabuur dab damis hadda ma 
      lihin, balse iminka ayaanu ka sugaynaa wasaaradda duulista hawada”ayuu 
      yidhi maamulaha madaarku. Sidoo kale maamulaha madaarka oo aan waydiiyey 
      sababta ay garoonka dayr ugu wareejin waayeen ayaa ku jawaabay “Hadda 
      ayaanu sugaynaa in dayr lagu wareejiyo”, isaga oo intaa ku daray “Waxa 
      kale oo naga dhiman rugley (Cagaf) aanu marba ku kab-kabno dhabbaha si ay 
      u burburiso dhagxaanta iyo tuuraha ka soo baxa dhabbaha”.
 
      Maamulaha madaarku waxa kale oo uu qirtay inay dhibaatada ugu darran ee 
      haysataa ay tahay dhul-boob, laakiin mar aan waydiiyey inay mushkiladda 
      dhul-boobka ee madaarka khatarta ku haysa kala hadleen dawladda waxa uu 
      maamuluhu yidhi “Dawladda dhexe iyo ta gobolkaba waanu u gud-binay 
      dhibaatada dhul-boobka”.
 “Intan shaqaalaha madaarka ayaa iskaa wax u qabso ku dhisay oo madaarka ku 
      kordhiyey”ayuu yidhi maamulaha madaarku, isaga oo farta ku fiiqaya qayb 
      lagu kordhiyey dhererka dhabbaha, wuxuuna intaa ku daray “Laba suuli iyo 
      beeraha qurxinta madaarka ayaanu iyagana samaynay”.
 Ilaa 80 shaqaale ah ayaa madaarka Burco ka shaqeeya sida uu sheegay 
      maamuluhu, kuwaas oo ka kala tirsan hayadaha kala duwan ee dakhli soo 
      saarka ku shaqada leh.
 Diyaaradaha Daallo iyo Star ayaa isticmaala madaarka Burco, waxayna 
      duulimaadyadoodu u badan yihiin maalmaha Isniinta iyo Khamiista 
      toddobaadkii. Laakiin maamulaha oo aa waydiiyey inta duulimaad ee bishii 
      madaarka soo marta waxa uu ku jawaabay “30-40 duulimaad ay bishii 
      noqonaysaa, diyaaradaha madaarka yimaadaana waxay u badan yihiin kuwa 
      rakaabka, inkasta oo ay xamuulkuna yimaadaan”.
 
      Dhinaca kalena marka aad eegto marrinka ay dadku ka soo degaan ama ka 
      dhoofaan waxa ka muuqday cidhiidhi aad u badan, taas oo aanay haysan meel 
      ay kala joogsadaan, laakiin maamulaha madaarka oo aan arintaa wax ka 
      waydiiyey ayaa yidhi “Madaarkan markii la dhisay tirada dadka iman jiray 
      aad bay u yaraayeen, hadana aad bay u bateen, markaa koleyba cidhiidhi waa 
      jirayaa”.Duruufaha kale ee madaarka haysta waxa ka mid ah, iyadoo uu dhismaha 
      magaaladu dhinac walba ka dhaafay, taasina ay madaarka ka dhigtay mid 
      xaafado ku dhex-jira, laakiin maamulaha oo aan waydiiyey inuu wax qorsho 
      ahi taa uga meel yaal ayaa yidhi “Waxa qorshaha noogu jirta in madaarka 
      magaalada laga durkiyo oo dhinaca debedda magaalada loo fidiyo”.
 
 Sannadkii 1995-kii ayaa markii u horaysay madaarka Burco waxoogaa dayactir 
      ah lagu sameeyey, laakiin dhabbuhu maadaama lagu goglay quruurux ama jay 
      marka ay diyaaraduhu cabbaar isticmaalaan-ba waxay u geystaan duqad. 
      “Dayactir joogta ah ayaanu ku samaynaa madaarka oo marka ay diyaaradi soo 
      fadhiisataba, waanu u daba marnaa oo waxaanu isku sinaa tuuraha iyo 
      dhagxaanta soo baxa marka ay diyaaraduhu maraan”.
 
 Marka la eego xaaladda madaarka waxa ishaadu ku dhacaysaa duruufo iyo 
      baahiyo badan oo ku xeerran, wuxuuse maamulaha madaarku sheegay inay 
      baahiyahooda si joogta ah ugu gud-biyaan dawladda, gaar ahaan wasaaradda 
      ku shaqada leh madaarada, laakiin mar aan waydiiyey su’aal ahayd 
      wasaaradda duulista hawadu miyey idinka dhego-adayg tahay”, waxa uu ku 
      jawaabay “Wasaaradda duulista hawadu aad bay noogu dhego nugashahay, 
      masuuliyiinta wasaaradduna aad bay u daneeyaan baahiyahayaga”.
 
 Dad aan la sheekaystay oo ka mid ah kuwa hawlaha madaarka u dhuun-daloola 
      ayaa dhaliilay xaaladaha adeeg ee madaarka, laakiin maamulaha madaarka oo 
      aan taa waydiiyey waxa uu kaga jawaabay “Adeegayagu waa mid aad u 
      wanaagsan, oo amaan mooyee cabasho nooma timaaddo, shaqaalaha duulista 
      hawada ee hadda ila shaqeeyaana waa kuwo tababaran”. Hase yeeshee mar aan 
      waydiiyey inta uu le’eg yahay dakhliga madaarku soo saaraa waxa uu yidhi 
      “Wax soo saarkayaga dhinaca dakhli soo saarku waa wanaagsan yahay, weliba 
      xiligan waa xagaagii oo waa xiligii uu kor u kici jiray”. Laakiin inkasta 
      oo maamuluhu ka gaabsaday inuu afka ku dhufto xaddiga dakhliga ay soo 
      saaraan xogo u dhuun-daloola arimaha madaarka ayaa tibaaxay in dakhliga 
      madaarku bishii gaadhayo ilaa 5000-US$. Laakiin warar la isla dhexmarayey 
      ayaa tibaaxay inuu dhinaca dakhliga madaarka musuqmaasuq ka jiro oo uu 
      jiro dakhli la lunsadaa, wuxuuse maamulaha madaarku taa kaga jawaabay “Ma 
      jiro wax dakhli oo madaarka lagu lunsadaa, taasna aad baanu u koontaroolaa”.
 
 Si kasta ha ahaatee madaarka Burco waxa uu u muuqday meel ay duruufo 
      badani haystaan oo u baahan in wax badan laga qabto, iyada oo ay 
      xaaladiisu u muuqato inuu hawlgabayo haddii aan si dhakhso ah wax looga 
      qaban.”
 Top
       
 
        
          | Gudoomiyaha 
          Gobolka Awdal Oo Booqasho Ku Maraya Baki |  Boorama (Haatuf): Guddoomiyaha gobolka awdal 
      Maxamuud Sheekh Cabdilaahi ayaa shalay u kicitimay  degmada Baki iyo 
      deegaanka la xidhiidha.
 Sida uu kusoo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, 
      Guddoomiyaha oo uu wax ka weydiiyey socdaalkiisa degmada Baki wuxuu u 
      sheegay inuu halkaa u tegeyo si uu u dhexdhexaadiyo  xalna ugu helo 
      khilaaf dhinaca dhul-daaqsimeedka iyo dhulbeereedka  ah oo soo galay ama 
      ku yimi dadka ku nool  deeganka Xamarta oo ka tirsan degmada Baki.
 
 Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in inta uu joogo dhulkaasi  uu isugu 
      yeedhi doono lana kulmi doono madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka 
      deegaankaasi isla markaana uu kala hadli doono sidii loo xallin lahaa waxa 
      ay isku hayaan labada dhinac ee Xamarta muraankoodu ka dhacay, kaasoo 
      dhawaan dib u soo cusboonaaday isagoo muddo dheer soo jiitamayay, kuwaasoo 
      ka kala tirsan dad u dhashay deegaamada Gebilay iyo Baki.
 
 Khilaafkan soo kala dhexgalay dadka ku nool deegaanka Xamarta ee ka kala 
      tirsan labadaa degmo ayaa la kowsaday tan iyo markii Soomaaliland lagu 
      dhawaaqay sannadkii 1991kii, xukuumada oo isku dayday inay khilaafkan wax 
      ka qabatana ilaa imika looma helin xal waara.
 Booqashadan Guddoomiyaha  Gobolka Awdal ee hatan ayaa lafilayaa inay wax 
      weyn ka tarto in khilaafkaasi lasoo af-jaro.
 Top
       
 
        
          | Caynabo: 
          Khilaafka Soo Jiitamay Iyo Isbedelka Lagu Sameeyay Maayarkii Iyo Ku-Xigeenkiisii |  Caynaba (Haatuf): Maayarkii iyo 
      maayar-xigeenkii degmada Caynabo, Cabdi Maxamed Axmed iyo Abokor Shidde 
      Cali ayaa xilkii laga qaaday khamiistii toddobaadkii hore, ka dib markii 
      ay xubnaha golaha degaanka Caynaba 7-dii bishan fadhi isugu yimaadeen, ka 
      dibna cod u qaadeen labadaa masuul, sidaana kursiga kaga tuureen. Laakiin 
      xil ka qaadista maayarka iyo maayar-xigeenka Caynaba waxay ka dambaysay 
      khilaaf muddo soo jiitamay oo ka dhex-oogmay golaha degaanka degmada 
      Caynaba, kaas oo si weyn u ragaadiyey geedi socodka maamul ee degmadaa, 
      taasina waxay keentay inay wefti dawladda dhexe ka tirsani socdaal ku 
      tagaan degmadaa si ay uga qayb qaataan maaraynta mushkiladdaa.
       Weriye Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka 
      tirsan ayaa warbixin noo soo diray sida ay arintaasi u dhacday iyo guud 
      ahaan xaaladda Caynaba, waana tan warbixintii:
 “7-dii ogost 2003 ayaa xilkii laga qaaday maayarkii iyo maayar-xigeenkii 
      degmada Caynaba oo ka tirsan gobolka Sool, kuna taal badhtamaha 
      magaalooyinka Burco iyo Laascaanood, waxayna xil-qaadista labadan masuul 
      ka dambaysay khilaaf soo jiitamay oo ku sinaa wax yar ka dib markii la 
      doortay golaha degaanka Caynaba.
 
 Khilaafka iyo muranka golaha degaanka Caynaba waxa uu bilaabmay markii u 
      horaysay ee la soo dhejiyey liiska magacyada xubnaha golaha degaanka, taas 
      oo uu markiiba bilaabmay loollan la xidhiidha doorashada maayarka oo ay 
      ugu yaraan laba nin ku tartameen, wuxuuna loollankaas oo isu bedelay 
      xafiiltan ba’an waxa uu sababay inay degmadu muddo bilaa maayar noqoto, 
      waxaase aakhirkii maayar loo doortay Cabdi Maxamed Axmed (Cabdi-Tuur), 
      halka maayar-xigeenna loo doortay Abokor Shidde Cali. Hase yeeshee labadaa 
      nin markii ay muddo aan ilaa laba bilood ka badnayn xilka hayeen ayaa waxa 
      golaha degaanka ka dhex-aloosmay khilaaf cirka isku shareeray oo sababay 
      inay hakad galaan geedi socodka hawlaha maamul ee degmadu, isla markaana 
      khilaafkaa waxay arintiisu gaadhay ilaa dawladda dhexe, taas oo ugu yaraan 
      hal mar magaalada Hargeysa loogu gar-naqay khilaaf maamul oo ka 
      dhex-oogmay maayarka iyo xog-hayaha dawladda hoose, iyadoo ay arintooda ka 
      garnaqeen masuuliyiinta sare ee wasaaradda daakhiliga.
 
 Laakiin taasi wax midho ah ma dhalin ee arintu way sii xumaatay, waxaana 
      si isdaba joog ah u soo yeedhayey qaylo-dhaan xaaladda ka dayrinaysa.
 
 4-tii Ogost, 2003 waxa magaalada Caynaba gaadhay wefti uu horkacayo 
      badhasaabka togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo uu ka mid yahay taliyaha 
      qaybta booliska togdheer, Cabdi Ibraahin-Dib-udhace, kuwaas oo ay ujeedada 
      socdaalkoodu ahayd inay qayb ka qaataan mushkiladda meesha taal, balse 
      sidoo kale wefti dawladda dhexe ka socda oo uu hogaaminayo wasiirka 
      caafimaadka, Cismaan Qaasin Qodax, uuna ka mid yahay wasiiru-dawlaha 
      arimaha gudaha Ina-waqaf ayaa iyaguna habeenimadii Ogost, 5, 2003 gaadhay 
      magaalada Caynaba, iyaga oo ka bixitimay Hargeysa, waxayna weftigaasi ka 
      koobnaayeen shan xubnood. Weftigaas oo halkaa joogay muddo saddex maalmood 
      ah waxay markiiba isugu yeedheen madax-dhaqameedyada, aqoonyahanada iyo 
      wax garadka reer Caynaba, kuwaas oo ay wax ka waydiiyeen xaaladda meesha 
      taal iyo sida xal loogu heli karo khilaafka dhexyaal xubnaha golaha 
      degaanka ee ragaadiyey hawlihii degmada. Sidoo kale waxay isugu yeedheen 
      xubnaha golaha degaanka, waxayna duqayda iyo wax garadka reer caynaba 
      kulan ay weftigaasi qabteen ka soo jeediyeen cabatino iyo dhaliilo ku 
      waajahan golaha degaanka Caynaba oo ay ku tilmaameen kuwa gabay 
      masuuliyaddii loo doortay. “Golaha degaanku wuu gabay hawshii aanu u 
      igmanay, markaa waxaanu codsanaynaa hadii la kala diri karayo in 
      dhamaantood la kala diro”ayey yidhaahdeen odayaasha degaanku, waxaana 
      dadweynaha reer Caynaba meel fagaare ah kala hadlay wasiirka caafimaadka, 
      Cismaan Qaasin iyo badhasaabka Burco, Cabdi Xuseen, waxaana hadaladooda ka 
      mid ahaa “Anagu arintaa xaq uma lihin, waxaanuse u nimi inaanu goob-joog 
      ka ahaana, oo aanu eegno hadii qalad meesha jiro, idinkana waxa idinku 
      waajib ah inaad ilaalisaan danihiina iyo danaha degmadiina iyo wada 
      shaqayntiina”.
 
 Wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda 
      degaanka Caynaba ayaa isaga oo dadka reer Caynaba la hadlaya yidhi:
 
 “Abtiyaal iyo adeerayaal waxa laga hadlayaa waa dantiina iyo danta 
      degmadiina, waana waajib inaad ilaalisaan danihiina iyo danaha qarankaba, 
      anaguna hadii aanu nahay dawladda dhexe waxa noo timi qaylo-dhaan ka timi 
      degmada, laakiin anagu cidna ma bedelayno, cidna ma dooranayno, waxaanuse 
      u nimi inaanu ogaano xaaladda meesha, golaha degaankuna waa dadkii aad 
      doorateen, oo waa tii laydin yidhi cid idin metesha keena, dadkanina waa 
      dadkii aad keensateen, golaha degaankuna iyaga ayaa xaq u leh cidda ay 
      dooranayaan iyo cidda ay bedelayaan, inaguna waxaynu goob-joog ka 
      ahaanaynaa sida ay hawsha u wadaan”.
 
 Intaa ka dibna 7-dii Ogost, 2003 ayey golaha degaanka Caynaba yeesheen 
      fadhi ay kaga arinsanayaan maayarka iyo maayar-xigeenka, waxaana shirkaa 
      ka soo qayb galay 11 mudane, iyadoo uu golaha degaanka Caynaba ka kooban 
      yahay 13 xubnood, laakiin laba xubnood oo uu mid yahay maayarka xilka laga 
      qaaday iyo xubin kale oo la sheegay inuu fasax ku maqnaa, iyadoo maayarka 
      hore fadhiga qaadacay, waxayna xubnaha fadhiga ka soo qayb galay cod buuxa 
      ku ogolaadeen xil ka qaadista maayarkii iyo maayar-xigeenkii hore, isla 
      markaana waxa isla goobtaa lagu doortay maayar iyo maayar-xigeen cusub, 
      iyadoo maayarka cusub loo doortay Barre Jaamac Oogle oo ay 9 xubnood 
      ogolaatay inuu maayar noqdo, halka uu qofna ka aamusay, sidoo kale waxa 
      maayar-xigeenka cusub loo doortay Axmed Xasan X. Maxamuud oo ay tobanka 
      xubnood ee kalena ogolaadeen inuu maayar-xigeen noqdo. Laakiin maayarkii 
      hore ayaan isagu shirkaa ka soo xaadirin haba yaraatee, lamana garanayo 
      sababta uu uga maqnaaday, waxaase loo malaynayaa inuu cadho ku maqnaa”.
 Top
       
 
        
          | 34 Qof Oo Ku 
          Dhintay Kulayl Ku Habsaday Dalalka Yurub |  London (W.Wararka) – Ugu yaraan ilaa 34 ayaa 
      ku dhintay, dad kaloo badana waxyeelo ayaa kasoo gaadhay kadib markii uu 
      kulayl xad-dhaaf ahi ku habsaday dalalka Yurub. 
 Siday wararku sheegeen dadka ugu badani waxay ku dhinteen dalka Portugal 
      oo ay ilaa toddobaadkii hore ku dhinteen 14 qof, kadib markii heer-kulku 
      gaadhay 400, isla markaana uu kaymo badan dab qabsaday.
 Dalka Spain ayaa isna la sheegay inay ku dhinteen 13 qof, iyadoo uu kulayl 
      kaa la mid ahi ka dhacay.
 
 Dalka Jarmalka ayaa isna la sheegay inay ku dhinteen 3 qof iyadoo uu 
      heer-kulku gaadhay 29 degree. Dalka Faransiiska ayaa isna dhibaato taasoo 
      kale ahi ka jirtaa.
 
 Dalka Ingiriiska ayaa isna labadii qof ee ugu horeeyay ku dhinteen 
      mushkiladan kulaylka ah, kuwaasoo la sheegay inay biyo liqeen iyagoo isku 
      deyaya inay ka baxsadaan kulaylka xad-dhaafka ah.
 
 Dhibaatadan kulaylku waa mid saamaysay inta badan dalalka Yurub iyadoo 
      kooxaha gurmadka iyo ciidamada dalalkaasi ay la halgamayaan sidii 
      dhibaatadaa wax looga qaban lahaa.
 Top
       
 
        
          | Barlamaanka 
          Carta Oo Xilkii Ka Qaaday Deerow Iyo Xasan Abshir |  Muqdisho (W.wararka) Wararka ka imanaya 
      magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay uu Baarlamaanka dawlada C/qaasim 
      kalsoonidii kala noqday gudoomiyihii Baarlamaankaasi Cabdala deeraw Isaaq 
      iyo Xasan Abshir Faarax oo ahaa Rai’iisalwasare kadib ay soo gebagaboobay 
      dood ay golaha baarlamaanka dowladda KMG ahi ka lahaayeen arrimaha shirka 
      dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya ka socda iyo weliba sida laga 
      yeelayo dadka ka tirsan dowladda ee weli ku sii maqan shirkaasi.
       Dooddan ayaa beryahanba waxay si gaabis ah 
      uga soconaysay xaruntii hore ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka 
      Soomaaliyeed oo haddana xarun KMG u ah goleyaasha dowladda KMG ah ee 
      Cabdiqaasim Salaad Xasan. Ilaa intii uu 
      Cabdiqaasim isaga soo baxay shirka kooxaha Soomaalida uga socda dalka 
      Kenya, ayey shirarkani socdeen iyadoo kolba la sii raajicinayey xubno 
      dheeraad ah oo dowladda KMG ah ka tirsan oo ka yimaada Kenya oo iyaguna 
      sidoo kale ka soo baxa shirkaasi, hase yeeshee shalay ayey dayuuraddii ugu 
      dambaysay halkaasi ka timid taasoo sidday dhowr xubnood oo labada gole ka 
      kala tirsan, waxayna si toos ah ugu soo bireen dooddii beryahanba socotay.
 Doodo dhaadheer ka ddib, waxa uu ku-simaha guddoomiyaha golaha 
      baarlamaanka, Maxamed Cabdi Yuusuf, ku dhawaaqay in cod loo qaado 
      kalsoonida guddoomiyaha baarlamaanka Cabdalle Deerow Isaaq, iyadoo ay 
      goobta shirkaasina joogeen 127 xubnood oo buuxin karay kooramkii loo 
      baahnaa si go'aan loo gaadho.
 
 Wax yar uun ka dib markii sidaasi ku dhawaaqay Maxamed Cabdi Yuusuf ayuu 
      hadana dalbaday in shaqada la sii wado oo codka kalsoonida loo qaado 
      xukuumadda dowladda KMG ah, taasoo macneheedu yahay in kalsoonida lagala 
      noqdo Xasan Abshir Faarax, ra'iisal wasaaraha iyo in kale.
 
 Markii sidaasi lagu ansixiyey, ayaa golahaasi lagu kala dareeray iyadoo ay 
      ragga qaar si weyn u faraxsanaayeen, rag kalena ay wax badan iska 
      weydiinayeen sida ay sharci ku noqon karto cod bixintaasi, iyagoo ku 
      doodaya in meesha laga soo buuxiyey dad aananba si rasmi ah uga tirsanayn 
      golaha baarlamaanka oo dhowaan uun la dhaariyey, si loogu beddelo ragga 
      iyagu weli ku sii maqan dalka Kenya ee u daacadda ah guddoomiyahooda 
      Cabdalla Deerow Isaaq iyo sii socoshada shirka Kenya.
 
 Si kastaba ha ahaatee, cod-bixintan kalsoonida isku marka loogala noqonayo 
      ra'iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku soo beegantay mar 
      ay saddex maalmood uun ka hadhsan tahay xilligii loo doortay dowladda KMG 
      ah in xilka sii hayso, waxaana uu Maxamed Cabdi Yuusuf, ku-simaha 
      guddoomiyaha golaha baarlamaanku ii sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay 
      madaxweynaha ka sugayaan in uu soo magacaabo ra'iisal wasaare cusub, 
      kaasoo isagana codka kalsoonida loo qaadi doono. Balse Deerow oo hadlay 
      go’aankaa kadib ayaa ku gacan saydhay arrintaa.
 Top
       
 
        
          | Taiwan Oo 
          Dedaal Ugu Jirta Sidii Ay Ugu Biiri Lahayd Qaramada Midoobay |  Taipai (W.Wararka) – Dawladda Taiwan, ayaa 
      Q. Midoobay u gudbisay dalab cusub oo ay ku doonayso inay ku biirto Q. 
      Midoobay, kaasoo ay rajaynayso inay gacan ku siiso Dawladda Maraykanku. 
      Balse isku dayga Taiwan ee arrintaa la xidhiidha waxa si xoog leh uga soo 
      horjeeda Dawladda Shiinaha oo u aragta Taiwan gobol iyada ka mid ah, isla 
      markaana waxay dedaal ugu jirtaa sidii ay ugu soo biiri lahayd. 
      Waa markii 11aad ee ay Taiwan u gudbiso Q. Midoobay dalab ku saabsan sidii 
      ay ugu biiri lahayd Q. Midoobay tan iyo markii uu shiinuhu ka dhaxlay 
      kursigii ay ku lahayd Golaha Ammaanka ee Q. M. 1971-kii, markaasoo ay 
      dalalka xubnaha ka ah Q. Midoobay oggolaadeen inuu shiinuhu qaato kursigii 
      Taiwan.
 Taiwan waxay ka go’day Shiinaha 1949-kii, markii ay xoogagii Shuuciyiintu 
      qabsadeen Pecking, ilaa wakhtigaana waxa soo taagnaa khilaaf dhinaca 
      Siyaasadda ah oo u dhaxeeya labada dhinac.
 Top
       
 
        
          | Madaxweyne Bush 
          oo Ay Hoos U Dhacday Shacbiyadiisu Iyo Xaaladda Ciraaq Oo Uu Ka Hadlay |  Madaxweyne Bush oo Ay Hoos U Dhacday 
      Shacbiyadiisu Iyo Xaaladda Ciraaq Oo Uu Ka Hadlay
 Washington (W.wararka) Wararka ka imanaya Maraykanka ayaa sheegaya inay si 
      weyn hoos ugu dhacday shacbiyadda iyo taageerada madaxweynaha dalkaasi, 
      George W. Bush, taasoo gaadhay 53% saadaashii ugu dambaysay ee la qaaday.
 
 Saadaashan oo ay qaaday hay’ad cilmi-baadhista u qaabilsan dalkaasi 
      shacbiyadda Madaxweyne Bush haystay bishii ina dhaaftay ee July waxay 
      ahayd 58%, haatana waxay gaadhay hoos u dhac 53% ah, taasoo aad uga duwan 
      shacbiyadii uu helay markii ay dhaceen weeraradii lagu qaaday dalkaasi 
      September 2001, taasoo gaadhay 86%, balse waxay hoos ugu soo dhacday 
      dagaalkii Ciraaq kadib 74%.
 
 Hoos u dhacaan ku yimid shacbiyadda Bush waxa la sheegay inay ka dhalatay 
      sida weyn ee ay dadku uga soo horjeedaan ciidamada Maraykanka ee maalin 
      walba qaar kaga dhimanayaan dalka Ciraaq. Waxaanay tani kusoo beegantay 
      iyadoo la sheegay in nin milyan dheer ah oo u dhashay Maraykanka uu u 
      qoondeeyay Lacag gaadhaysa 75 malyuun oo dollar sidii Bush loogaga 
      guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacaysa sannadka 
      dambe.
 
 Dhinaca kale, Madaxweyne Bush ayaa waxa uu ku adkeystey in horumar fiican 
      laga sameeyey Ciraaq, laakiin waxa uu calool xumo ka muujiyey askarta 
      Mareykanka ee lagu laayeyb dalkaas.
 
 Madaxweyne Bush waxa uu xusey in boqol maalmood ay ka soo wareegtey ilaa 
      markii lagu dhawaaqey in uu dhamaadey hawlgalkii weynaa ee Ciraaq looga 
      ridey Saddam Hussein. Intii ka dambeyse buu yidhi waxyaabo badan oo 
      wanaagsan ayaa laga qabtey Ciraaq.
 
 Bush waxa uu ku adkeystey in waddanka Ciraaq uu u socdo dhinaca 
      dimoqraadiyadda, taas oo uu ku fasirey in ay tahay waxa weyn oo ka dhacay 
      dunida ay Ciraaq ku taal. Laakiin Madaxweyne Bush waxa lagu qasbey in uu 
      qiro askarta sida joogtada ah ugu dhimaneysa Ciraaq oo uu ku sheegey in ay 
      tahay wax laga calool xumaado.
 
 Laakiin guud ahaan jawiga uu kaga hadley Ciraaq waxa uu ahaa mid rajo ku 
      jirto. Madaxweyne Bush waxa uu rumeysanyahay in ciidamada Isbahysiga ee 
      Mareykanku uu hormoodka ka yahay ay sameeyeen hawlo ka fiican inta loo 
      qirey.
 
 Ra'yiga guud ee shicibku waxa uu muujinayaa in dadka Mareykanku ay weli 
      taageersanyihiin hawlgalka Ciraaq, laakiin waxa dadka madaxooda ku soo 
      badanaya shaki laga qabo inta uu le'egahay wanaaga uu u socdo hawlgalku.
 
 Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa iyaguna sheegaya in maalintii shalay weerar 
      lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan degmada Ramaadiya, halkaasoo 
      lagu dilay hal askari, qaar kalena lagu dhaawacay. Sidoo kale, wax ala 
      sheegay in lix askari oo Maraykan ahi ay ku dhaawacmeen markii weerar lagu 
      qaaday kolonyo ciidamada baabuur ah oo ay ciidanka Maraykanku wateen 
      markii lala beegsaday gantaalaha lidka taangiyada iyo hub kale oo culus, 
      taasina waxay sii kordhinaysaa ciidamada Maraykanka ee waxyeeladu ku soo 
      gaadhayso dalka Ciraaq iyadoo la sheegay in ay ciidamada Maraykanka ee ku 
      dhintay Ciraaq ay gaadhayaan ilaa 60 askari tan iyo markii ay ciidamada 
      Maraykanku qabsadeen dalkaasi.
 Top
       
 
        
          | Mucaaridka Liberia Oo Ku Gacan Saydhay Inay 
      Xabadda Joojiyaan |  Manrovia (W.wararka) Kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan Madaxweynaha 
      Liberia ayaa Gaashaanka ku dhuftay markii uu charles Taylor u magacaabay 
      Madaxweyne ku xigeenkiisii inuu beddelo isaga marka uu dalka ka baxo, 
      waxaanay sheegeen inaanay dagaalka joojinayn ilaa ay dalkaasi ka baxaan 
      xukuumadii Charles Taylor. Sidoo kale, waxa la sheegay in mucaaradku ay 
      diideen inay furaan dekadda caasimadda oo la filayay inay kasoo degaan 
      ciidamo ka socda Maraykanka.
 Sidoo kale, Wafti ka kooban Laan-qeyrta Cas ee Caalmiga iyo hey'adda aan 
      xuduudaha lahayn ee Medicines sans Frontiers ayaa booqdey daanta ay 
      jabhaduhu ka taliyaan ee Monrovia.
 
 Waxa ay hey'adahaasi sheegeen in ay dibadda u qaadi doonaan dadka shicibka 
      ah ee xaaladdoodu ay aadka u liidato.
 
 Waxa ay u muuqataa in cuntadu ay taallo qeybtan Monrovia ee Jabhaduhu ka 
      taliyaan, laakiin adeega caafimaadka ayaa aad u liita. Shaqaalaha 
      caafimaadka ee daantaas jooga waxa ay sheegayaan in dawooyinkii ay ka 
      dhamaadeen oo ayna heynin wax ay wax ku daweeyaan. Waxaana ay dadka 
      dhaawaca ah ay qalayaan iyagoo aan ku mudin daawada xanuunka qaliinka 
      dhaafineysa ama suuxinaysa ee Anaestiisiyada.
 
 Sarakaal ka tirsan Laanqeyrta cas ee caalamiga oo ka mid ah wafdiga 
      booqdey qeybta Monrovia ee ay Jabhaduhu ka taliyaan oo isaguna saxaafadda 
      la hadley ayaa sheegey in ay adagtahay in qiimeyn buuxda lagu sameeyo 
      wixii uu soo arkey, waxa uu yidhi goobaha aan soo marney waxa la tagi 
      karayey oo kaliya in ay ciidamada nabad ilaalintu ay halkaas soo galaan, 
      mana sahlana ayuu yidhi in degdeg ay hey'adaha gargaarku qiimeeyn buuxda 
      ugu sameeyaan.
 
 Waxa kale oo uu sheegey sarkaalkaasi in ay isaga u cadaatey waxyaabihii uu 
      awalba filayey in uu arko. Waxa uu yidhi waxa aan tagnahay meelo macmal ah 
      oo Jabahaduhu u dhiseen in si aan joogta ahayn dadka dhaawaca ah loogu 
      daweeyo, iyadoo Cisbitaalkii ugu weynaa ee ku yaalley daantaasi, gabi 
      ahaan la bililiqeystey.
 
 Waxa wararku sheegayaan in Cisbetalka ku yaal dhinaca Monrovia ee Jabhadu 
      ka talshaan uu ahaa kan labaad ee ugu weyn waddanka oo laga bililiqeystey 
      dhammaan siriirihii bukaan socodka la dhigi jirey oo uu haatan Cisbitaalku 
      uu haawanayo.
 
 Shaqaalaha maxaliga ee Cisbitaalkaasna waxa ay sheegeen in ay sugayaan 
      gargaar uga yimaadda hey'adaha samafalka oo dalka ku soo laabanaya.
 Dhinaca kale, waxa soo kordhaya caddaadis siyaasadeed oo la saarayo 
      Jabhadaha, gaar ahaan cadaadiskaasi waxa uu uga imanayaa Mareykanka.
 
 Saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Monrovia ayaa la 
      kulmey madaxada Jabhadaha. Mareykanku waxa ay doonayaan in Jabhaduhu ay 
      dib uga gurtaan dekedda sidii ay awal ku ballanqaadeen in ay sameyn 
      doonaan, markii ay yimaaddaan ciidamada nabad ilaalintu.
 
 Laakiin wali sidaas may yeelin Jabhaduhu. Hogaamiyayaasha Jabhadaha 
      qaarkood ayaa sheegey in ayna ku faraxsaneyn go'aanka uu Charles Taylor uu 
      waddanka ugu magacaabey in isaga uu jagada ka badelo ninka isaga ku-xigeen 
      u ahaa oo la yidhaa Moses Blah.
 
 Charles Taylor sida uu markii ugu dambeysey sheegey, waxa uu jagada 
      Madaxweyninimada ka digi doonaa maalinta Isniinta ah ee barito oo bishan 
      August ay noqon doonto 11ka.
 
 Laakiin Jabhaduhu waxa ay ku adkeysanayaan in ayna magaalada ka bixi 
      doonin, ilaa uu Taylor waddanka ka baxo.
 Top
       
 
        
          | Dawladda Koonfur Afrika Oo Ogolaatay 
      Dawooyinka AIDS-Ka |  Dowladda Koonfur Afrika ayaa haatan ogolaatey in dadka qaba cudur sidaha 
      HIV/AIDS ay siiso dawo si weyn u hakineysa waxyeelada uu cudurku dadka 
      gaadhsiinayo.
 Qodobka golaha Wasiirada ee dowladda Koonfur Afrika u cuskadeen in ay 
      ogolaadaan bixinta dawooyinka sida weyn uga hortaga AIDS-ka waxa uu ahaa 
      warbixin la diyaariyey sanad ka hor oo si cad u tusmeeneysa in boqolaal 
      ruux ay noolaan lahaayeen haddii dadka la marsiin lahaa daweynata cusub ee 
      haatan dowladdu ogolaatey (Antiretroviral therapy).
 Dukumintiga dowladdu waxa uu aad u taageerayaa isticmaalka dawadaas, 
      waxaana dukumintigu sharax ka bixinayaa sida ay dawadu u yarayn karto 
      ilamaha uu cudurka AIDS-ku uu agoonada ka dhigayo.
 
 Caddadiska dowladda Koonfur Afrika lagu saarayey in ay dad AIDS-ku hayo 
      siiso Antiretroviral Therapy waxa uu si weyn u xoogeystey markii 
      todobaadkan horaantiisii magaalada Durban ee Koonfur Afrika lagu qabtey 
      shir looga hadlayey AIDS-ka. Seynisyahano, aqoonyahanno caafimaad iyo 
      xataa saraakiil badan oo ka tirsan dowladda Koonfur Africa ayaa dowladda 
      cadaadis weyn ku saarey in ay ogolaato isticmaalka dawadaas.
 
 Dad gaadhaya lix boqol oo qof ayaa maalin kasta Aids ugu dhinta Koonfur 
      Afrika. Koonfur Afrika waxa joogaa dad gaadhaya 4.7 qof oo qaba cudur 
      sidaha HIV/AIDS.
 Top
       
 
        
          | Shir Lagaga Soo Horjeedo Shirka Soomaalida 
      Ee Kenya Oo Ka Dhacay Isla Dalkaas |  Nairobi (W.wararka) Shir ay shalay isugu yimaadeed kooxaha diidan hab 
      socodka shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee Mbagathi ayaa waxay ku soo 
      qaadeen khaladaadka dastuurka ku jira iyo in shirku uu u muuqdo haddii 
      sidda uu haatan u socodo loo daayo, in uu noqonayo shir horseeda colaad 
      hor leh. 
 sida ay wararku sheegeen Shirkan ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah 
      ururada bulshada rayidka ah, odayaasha dhaqanka, iyo kooxaha siyaasada 
      sida garabka Muse suudi Yallaxaw oo uu ka joogay Inj. Caddow iyo Maxamed 
      Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Ururka RRA iyo wasiiro iyo xildhibaano ka 
      tirsan dowladda ku meel gaadhka ah. Dhanka ururada bulshadana waxaa shirka 
      ka qeyb galay Dr. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib.
 
 Warsaxaafadeed ay soo saareen Kooxahaas shiray, shirka ka dib ayaa dhamaan 
      waxay si wada jir ah u canbaareeyeen sida uu u socdo shirka dib u 
      heshiisiinta Soomaalida ee kenya, waxayna codsadeen in shirka si loo 
      badbaadiyo la meel mariyo qodobo ay ka mid yihiin:
 
 In marka hore dib u heshiisiin loo sameeyo kooxaha Soomaalida ee colaadu u 
      dhexeyso.
 
 In dastuurka ku meel gaadhka ah ee hadda laga doodayo oo ay sameeyeen, 
      sida ay qoraaal ku sheegeen, dad aan khibrad u laheyn, in loo saaro 
      khubaro Soomaali ah oo aqoon u leh sameynta dastuurka.
 
 Waxayna hoosta ka xariiqeen in aan loo baahneyn dastuur cusub ee loo 
      baahan yahay in dastuurkii hore laga badelo waxii aan la socon karin 
      xaaladda iyo waqtiga.
 
 Waxayna sheegeen in hab maamulka uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu 
      ku socodo in wax laga badelo, iyagoo gaar ahaana xusay, habka qeybinta 
      doodaha iyo dadka shirka iska yimaada iyagoo aan aheyn ergada ka qeyb 
      galeysa shirka.
 
 Iyo in isla markaasna wax laga qabto anshax xumo ay sheegeen in loo geysto 
      dad doonaya in ay fikradahooda ka dhiibtaan dooda.
 
 Waxaa kale oo ay kooxahani warsaxaafadeedkooda ku soo jeediyeen in shirka 
      laga rabay in uu noqdo mid ay dhamaan Soomaalida ka qeyb galaan, hase 
      yeeshee uu maamulka shirku ku guuldareystay in uu keeno qeyb ka mid 
      Soomaalida.
 
 Waxayna ugu danbeyntii soo jeediyeen in dooda ergada dib loo dhigo, inta 
      arrimahan oo dhan xal loo helayo. Waxayna intaa ku dareen haddii baaqyadan 
      lagu guuldareysto in wax laga soo qaado, in uu shirku ku danbeyn doono 
      cawaaqib xumo.
 
 Dhanka kale, Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah dadka shirkaas 
      goobjooga ka ahaa ayaa sheegay in isagu u arko shirka dib u heshiisiinta 
      Soomaalida ee kenya in uu yahay mid waqti lumis ah, uuna ku talo jiro in 
      uu mar dhow iskaga baxo.
 Top
       
 
        
          | Maxkamad La Soo Taagay 5 Qof Oo Ku Eedaysan 
      Qaraxyadii Mombassa Ee Dalka Kenya |  Nairobi (W.Wararka) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa dib u dhigtay 
      Xukunka shan eedaysane oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen weeraradii loo 
      geystay huteel ku yaala Mombasa iyadoo lagu eedeeyay inay geysteen dil iyo 
      burburin.
 Sida uu warku sheegay maxkamadda oo dhegaysatay dembiga eedaysanayaasha 
      maalintii shalay waxay maxkamaddu go’aamisay in dib loo dhigo Xukunka 
      nimankaasi, iyadoo ay jeelka ku sii jiri doonaan tan iyo inta kiiskoodu 
      dhinac u dhacayo.
 
 Shantan nin oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay mombasa 
      bishii November ee sanadkii hore, waxaana la tuhunsan yahay inay xidhiidh 
      la leeyihiin ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo Usaama bin Laden, balse 
      ilaa hadda wax cadayn ah looma hayo.
 Top
       
 
        
          | ODHAAHDA AKHRISTAHA: 
          Qofka Aan Quusta Aqooni, Isagaa Quus Ah |  Waxa maalmahan soc-socday oo la xaqiijiyey inay madax reer Muqdisho ahi 
      telefoono iyo waraaqo kula soo xidhiidhayeen salaadiin reer Somaliland ah 
      oo ay ka dal-banayeen inay Muqdisho yimaadaan si ay u heshiisiiyaan. 
      Waxaase jiray tiroba saddex goor oo hore inay madaxda reer Koonfureed oo 
      wefti ahi Muqdisho ka yimaadeen, iyaga oo leh kaalaya na heshiisiiya. 
      Waqtigaasna anigu waxaan ku jiray guddi loo xil saaray inay jawaab siiyaan 
      weftigii ugu horeeyey ee yimaadda, taas oo aanu ku qaabilay hudheelka 
      Hargeysa Club, weftigaasna waxaanu uga waranay wixii shacbiga reer 
      Somaliland loo geystay oo ahaa wax weli aduunka ka dhicin oo aanay 
      ummmaddani iloobi karayn, iyadoo uu dhiig iyo maal badanina kaga baxay la 
      soo noqoshadii xoriyadooda. waxaana hadalka loogu soo gebagebeeyey inay 
      ummaddani ku mashquulsan tahay sidii ay aduunka ictiraaf uga heli lahayd, 
      sidaa darteed aanay waqti u hayn heshiisiinta reer Koonfureed, ta kale 
      waxa lagu yidhi “waa inaad idinku marka hore na ictiraaftaan”.
 Labadii wefti ee kalena sidaa si le’eg ayaa loogu jawaabay, waxayna 
      wufuudaasi saddexda goor ba soo mareen dawladda Somaliland, iyadoo dariiqa 
      caadiga ahi sidaa ahaa, taas oo ah marka ummad lala hadlayo in loo maro 
      dawladda wadankaa. Waxaase hadda dad badan oo reer Somaliland ah ka 
      yaabisay dariiqan guracan ee ay maanta madaxda reer Muqdisho soo mareen, 
      kuwaas oo si toos ah ula soo xidhiidhay salaadiinta iyo madax-dhaqameedka 
      reer Somaliland, markaa dad badani waxay qabaan in salaadiinta meel lagaga 
      dhacay, sababta oo ah miyaanay reer koonfureed ogayn inaanaan salaadiinta 
      si hawl yar oo fudud loogu yeedhi karin oo aanay arintu ahayn kaalaya oo 
      diyaarad iskaga soo dhaca uun. Waayo wadan kasta iyo ummad kastaa arimahaa 
      waaweyn oo kale waxay ka leeyihiin siyaasad cad oo ay raacaan dawladda, 
      salaadiinta iyo shacbi-weynuhuba, taas oo aanay cidina dhaafi karin, sida 
      waxyaalaha ku waajahan gooni isu taagga Somaliland oo kale.
 
 Hadaba waxay xaqiiqdu tahay inaanay salaadiintu Muqdisho iska tegi karin, 
      iyaga oo aan la tashan dadweynaha iyo xukuumadda Somaliland. Sidaa awgeed 
      madaxda reer Muqdisho waa inay mar walba ogaadaan inay runta qadhaadhi 
      tahay jawaabtii la siiyey saddexdii wefti ee ay hore u soo direen, taas oo 
      ahayd waxaanu mashquul ku nahay sidii aanu aduunka ictiraaf uga heli 
      lahayn, taas darteedna aanaan idiin hayn waqti aanu idiinku nimaadno, 
      marka horese na ictiraafa, koley dawladaha caalamku way na ictiraafi 
      doonaane idinku ugu horeeya oo libta qaata. Marka su’aasha meesha taal 
      waxay tahay miyaydaan weli quusan, Somaliduse waxay ku maahmaahdaa “Ninkii 
      aan quus aqoon, isagaa quus ah”.
 
 Aduunkuna waxa uu ku macaamilaa wax la yidhaahdo Hoo oo Keen (Give and 
      take), sidaa awgeed ummadda reer Somaliland ogolaan mayso arintii uu 
      Buur-madow ku kacay ee ahayd Hoo oo keliya ee aan waxba la dhaafsan.
 
 Col: Cumar Maxamed Nimcaale, Hargeysa
 Top
       
 
        
          | Golaha Degaanka Hargeysa, Iyaga Ayey Ceebtu 
      Ku Dambayn Doontaa. |  Marka uu maamul cusubi meel yimaado waxa looga baahanyahay inuu marka hore 
      derso dhibaatooyinka jira iyo cidda macalinka u ah, masalan qofka 
      shaqaalaha ee wanaagsani hore uma muuqdo, madaxdana kuma galaan-gal badna, 
      sida lagu ogaadaana waa iyada oo fiiro dheer loo yeesho.
 Sidoo kale maamulka cusub waxa la gudboon inuu ogaado meelaha ay 
      bakteeriyada ummadda ku faafaysaa ku jirto ee saldhiga u ah.
 
 Haddaba xubnaha golaha deegaanka Hargeysa waxa ku jira rag nadiif ah oo 
      qiimo leh, waxaase moodaa inay ka il-horeeyeen kuwii musuqmaasuqa u 
      adeegayey, waayo agaasimayaasha waaxyaha, gudoomiyayaasha degmooyinka iyo 
      joomitirada magaalada wareeriyey oo ay ahayd in dadka laga qabto wixii 
      cudurkaa qaba oo shaqada laga eryo ayaa dib loo hawlgeliyey.
 
 Tusaale ahaan degmada Axmed Dhagax oo aan odhan karo waa ta ugu ayaan 
      darran Hargeysa ayaa fadhigii ugu horeeyey ee golaha deegaanka loo soo 
      magacaabay xubin uga wakiil ah degmada, iyada oo uu degmada gudoomiye ka 
      ahaa nin dhalinyaro ahaa oo aan ku tilmaami karo nin qiimo leh (C/Qani), 
      balse nasiib darro wakiilkii golaha deegaanka ayaa intaanu bilba joogin 
      dacweeyey oo yidhi ha la iga bedelo, wuxuuna yidhi ha la ii soo bedelo 
      Maxamed Xasan iyo Maxamed Diiriye oo ka mid ah ragga taariikhda balaadhan 
      ku leh magaalada Hargeysa, waxayna arrintii u dhacday sidii uu doonayey oo 
      waa loo soo bedelay, waxaana bilaabmay hawshii timo iskugu xidhka, tii ugu 
      dambaysayna anigay igu dhacday markii ay taariikhdu 17/07/2003, taas oo 
      jago aan iibsaday oo 17-ban sannadood deegaan ahayd ayaa la igu qabsaday. 
      Waxaana ninkaygii meesha lahaa laga qaaday faylkii, oo la igu yidhi meesha 
      iskaga tag.
 
 Haddaba waxaan golaha deegaanka ka codsanayaa inay wax ka qabtaan dadka 
      caanka ah ee la yaqaan, haddii kale ceebtu iyaga ayey ku dambayn doontaa.
 
 Maxamuud Cabdi Geedi, Hargeysa.
 Top
       
 
        
          | WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – 
      Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 10aad |  Gurigii ayuu tegey oo murugada haysatay waxa ka darnaa calaacalka ka 
      yeedhayey.
 “adigaa aragaagu I waaloo
 iga awran jacaylkan I qaadoo
 anigay aramidu I haysaaye
 ablaydani afaysan adigaa igu taagee
 Ilhaaneey walaal kama eed baxayo jacayl
 kama eed baxayo jacayl, kama...”
 Ilmo inta ay ku soo joogsatay oo indhihiisa ka gobo’ laysay ayuu yidh1 
      “murugadan I haysa Allow iga samato bixi”.
 
 Muddo toddobaad ah ayuu jiifay oo aanu dugsigii tegin, waxaad moodaysay 
      tabcaan aad ay xaaladiisu u liidatay. Dhakhtarada inta loola rooray ayuu 
      mid waliba caafimaadkiisii wax uu ku sifeeyo garan waayey.
 Wacays oo aabbihii ah ayaa ugu dambayntii u geeyey dhakhtar curuuqda iyo 
      maskaxda ku takhasusay, kaasi oo ahaa midkii ugu dambeeyey ee uu ku quus 
      qaadanayey. “… inankaygu si ba’an ayuu u bukaa i daawee” ayuu yidhi. 
      Diktoorkii ayaa baadhay wax xanuun ahna kama uuna helin. Wacays ayuu 
      dabeeto su’aalay inuu dhakhtarrada geeyey iyo in kale. Wuxuu ku yidhi 
      wacays “meel kasta oo aan geeyaba waxa la I yidhaa uun cudur ma hayo ee 
      haddii aad garanayso bal farsamee”. Diktoorkii ayaa kacay oo inta uu irbad 
      ku turqay yidhi “Qaybo maskaxdiisa ah ayaan shaqaynayn ee ha nasto ilaa 
      aan ku soo noqonayo”.
 Weli kala garasho ayaa Bilis laga la’ayahay oo hooyadii iyo aabbihiiba soo 
      jeed ayaa ku dul qaaday. Subaxnimadii hore ayuu diktoorkii ku kallahay 
      dugsigii oo wuxuu raadinayey akhyaartii Bilis bal in uu warbixin intay 
      doonto ha le ekaatee ka helo. Irrida markii uu ka galayba waxa kaaf iyo 
      kala dheeri noqotay aragtida ay ishiisu qabatay iyo arrintani uu Bilis la 
      taag daran yahay. Ardaydu way wada faraxsanaayeen manuu jirin mid keliya 
      oo aamusan amma gooni u jooga, taasina waxay garansiisay diktoorka in aanu 
      bukaanka jacaylka la tiicayaa haba yaraatee goobtani ka qaadin waxyaabahan 
      maskaxdiisa kala kiciyey. Kolba sidii uu ardayda u tooyanayey ayuu ugu 
      dambayntii heley Cabdi wuuxuna weydiiyey “Bilis maxaa ku dhacay beryahani 
      xaaladiisu cirka ayey isku shareeran tahaye”. “si kasta waanu ula talinay 
      oo wuu qaadan waayey waanadayadii” ayuu Cabdi ugu jawaabay. Si degdeg ah 
      inta uu diktoorkii dareenkiisii u soo wada siiyey yarkani ayuu yidhi “ 
      maxaa idinku kala dhacay” Cabdi “annagu dhib iskuma qabno colaadina nama 
      kala dhex taallo ee waxay beryahani dambe isa sudhan yihiin naftiisa, wuu 
      ciqaabaa oo culays aanay qaadi karayn ayuu dhabarka kaga jabiyaa”. Dr 
      “maxaa isagiyo naftiisa isku diray” Cabdi “ gabadh ay rag oo dhami ka 
      quusteen ayuu daba boodayaa, iyana uma tudhayso”. Dr “ miyey ogtahay in 
      sidani naftiisu ugu salcaantay” Cabdi “Haa, laakiinse iyadu eed ma laha 
      waxna kama qaban karto, waayo hore ayey boqollayaal qayrkii ah u diiday”. 
      Diktoorkii anfariir ayaa ku dhacay, intuu yara dhaqaaqay ayuu fikiray 
      dabeeto wuxu u yidhi “magaceeda ii sheeg” Cabdi “Ilhaan.”
 
 Habeenimadii ayuu qoray waa Diktoorkiiye, waraaq uu si wacan ugu fara 
      yaraystay, dusha sawirro kala geddisan oo ay ubaxyo, dhir cagaara, iyo 
      wadneyaal jacayl ahi ka mid yihiin intuu kaga xardhay ayuu aroornimadii 
      kula kallahay Biliskii aan habeenimadii oo idil hurdo ka ledi waayey. 
      Markii uu dul fadhiistay ee uu woxoogaa waraystay ayuu inta uu labadii 
      waallid ka codsaday inay ka yara baxaan hoosta uga dhiibay. Caajis iyo 
      cago jiid uu karhayo inuu nuuxsado ayuu ku eegay, waxay indhihiisu qabteen 
      ubaxyadii, sidaa umuu danaynin, wadnihii ayuu arkay oo dhiirranaan yar 
      ayaa gashay, ku socota Bilis ayaa ku hoos qornaa, muu garanin cid u soo 
      dirtay. Dhabarka ayuu isaga oo yaaban u rogay, xiligaasi waxaad moodaysay 
      in uu firfircooni qaadanayo oo ay maskaxdiisu si wacan u soo jeeddo 
      taasaana keentay inuu diktoorku warqadda u soo qoro.
 
 Ka socota Ilhaan markuu arkay ayuu kor u booday farxad daraadeed ayuu 
      sariirtii ugu dul istaagay, Diktoorkii ayuu u hambalyeeyey, orod ayuu kaga 
      baxay gurigii oo inta uu meel cidlo ah la tegey ayuu geed hoostii ku 
      akhristay. Waxa ku qornaa.
 
 “Bilis, sidaan kuu arki waayey werwer iyo walbahaar ayaan ku noolahay, 
      biyo iyo baad toona igama degaan. Ma hadaladaydii kaftanka ahaa ayaad 
      mooday in aan ku nacay. Maya, ha u qaadan sidaa ee waxaad tahay noloshayda, 
      waxaad tahay garbkaygii midig, nuurkii aan iftiinsanayey, waxaad ugu 
      dambayntii tahay qayb kamida naftayda oo aan iga gu’,i Karin. Bilis, adaan 
      kuu jeelanahay ee ha I nicin, ha I nicin, ha...” farxadiisii ayaa ummadda 
      oo idil ka anfariirisay, iyagu may ogayn sababta waxayse u malaynayeen 
      inay xaaladdiisu kolka waalli gaadhay mar haddiiba uu geedaha hoostooda 
      rabbaasayo. Inta ay ku soo xoomeen ayey waydiiyeen waxa ku dhacay, umase 
      jawaabayo oo wuxuu raadsanayaa Diktoorkii si uu ugu hambalyeeyo. Maalintii 
      oo idil wuxuu ruuxii laga farxiyey ku daalay kala bedbedaalada labbiska uu 
      xidhan lahaa berri iyo weliba inuu is qurxiyo. Labadii waalid ayaa 
      dakhtarkii ugu abaal guday lacag jeeg ah oo aan la qiyaasi Karin.
 
 La Soco.
 Top
       
 
        
          | Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala 
      Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka,
      Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale, Q: 5aad |  Xikmado kala duduwan, sida Maah-maaho, gabayo, geeraaro, heeso, hawraaro 
      IWM. Ayey raggii ka yidhaahdeen qiimaha haweenka, iyaga oo naagta fiican 
      siyaalo badan ugu muujiyey xikmadooda, tusaale ahaan waxay raggii iyaga oo 
      tilmaan ka bixinaya naagta fiican yidhaahdeen “Nin nin maalin ma gaadhid, 
      ninna sannad ma gaadhid, ninna weligaaba ma gaadhid, nin maalin ma gaadhid 
      oo waa ninka kaa Faras fiican, ninna sannad ma gaadhid oo waa ninka kaa 
      guri wanaagsan (Kaa daaqsin wanaagsan), ninna weligaaba ma gaadhid oo waa 
      ninka kaa naag fiican”.
 Waxa kale oo ay Somalidu tidhaahdaa “Inan rag naag baa is dhaafisa”.
 
 Waxa kale oo ay raggii hore odhan jireen dumarku waa saddex nooc oo kala 
      ah: Kuu-toosa, Kula-toosa iyo Kaadi-latoosa. Dabadeedna saddex nin ayaa 
      maalin maalmaha ka mid ah ay beel meel degani u qorshaysay inay beesha u 
      sahan tagaan, laakiin saddexda nin mid waxa uu qabay Kuu-toosa, midna waxa 
      uu qabay Kula-toosa, ka kalena waxa uu qabay Kaadi-latoosa, waxaana 
      saddexdaa nin qorshahoodu ahaadaa inay aroortii jarmaadaan ilayn hadii ay 
      dharaarsadaan meel gaadhi maayaane, ka dibna ninkii qabay Kuu-toosa ayey 
      afadiisii waxay toostay markii uu habeenka saddex meelood oo laba meelood 
      tagtay, ka dibna waxay u dubtay bahasha Kimista loo yaqaan (Daqiiq la 
      dubay), taas oo uu badhna ku quraacday, badhna faraqa ku qaatay si uu 
      hadhow u cuno, sidoo kale waxay u diyaarisay Sibraar ah ay ka buuxaan 
      caano badhax ahi si uu u cabo marka uu haraado, dabadeedna markii ay wax 
      walba u diyaarisay ayey hiirtii hore u kicisay waysadii iyo quraacdii, 
      isla markaana intii uu tukanayey ama uu quraacda afka ku hayey ayey 
      faraskii kooraha u saartay, wegeradadana u giijisay, ka dibna iyadoo uu 
      habeenku isku jiro ayuu isaga oo sahaydiisii sita faraskiisii u baxay oo 
      cidhibta ku dhuftay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca nimankii kale, dabadeedna 
      waxa uu ugu horayn gurigiisa yimi ninkii qabay Kula-toosa oo ay iyada iyo 
      ninkii mar wada tooseen, ka dibna ileyn wax kale ka gaadhsiin maysee waxay 
      si qar-qarbo ah ula soo gaadhay in caano ah oo badhax ah, intaas oo uu 
      sarajoogga ku laacay, dabadeedna way dhaqaajiyeen, laakiin waxay u tageen 
      ninkii qabay Kaadi-latoosa oo kaadi debedda ugu maqan, ka dibna ninkii mar 
      hadii la soo dul-joogsaday ileyn wax kale oo uu sameeyo garan-maayee 
      keliya waxa uu ka gaadhsiiyey inuu faraskiisii kooraha saaro iyo inuu 
      wegeradada u giijiyo, ka dibna isaga oo bahal safrad ah la liita ayuu 
      raggii raacay. Laakiin goor ay hal barqo ah tahay ayuu ninkii gurigiisa 
      quraacda la’aanta kala soo baxay ee Kaadi-latoosa qabey bahal safrad ah la 
      sur-bacaadday oo dheelintay, sidoo kale ninkii Kula-toosa qabey goor ay 
      hadh soo korkii tahay ayuu isna oo harraad iyo gaajo la socon kari-waayey, 
      balse ninkii Kuu-toosa qabey isma taagin ileyn waa nin sahay sita’e, ka 
      dibna markii ay labadii nin kale ee hadheen waxa sahankii soo sugay oo 
      meeshii la rabay gaadhay ninkii qabey Kuu-toosa oo keliya. Sidaa awgeed 
      naagta fiicani inan-rag ku dhaafisaa.
 
 Qiimaha ragga: Sidoo kale ragguna waxay leeyihiin astaamo lagu qiimeeyo 
      raganimadooda, waxaana la yidhaahdaa toban (10) barood ayaa lagu qiimeeyaa 
      ragga, kuwaas oo lagu baad-sooco qiimaha Inan-rag.
 Masalan hadii aad sagaal ka mid ah tobankaa barood buuxiso waxa laga 
      yaabaa inaad mid ka mid ah seegto ama laba ka mid ah seegto, Somaliduna 
      maah-maahyo, hawraaro iyo suugaan kala duwan ayey Somalidu ka tidhi 
      tilmaamaha lagu baadi-sooco raganimada Inan-rag, waxaana ka mid ah: 
      “Adigoo sagaal buuxshey, hal ku seegay baa yaal”, “Nin habari dhashay hal 
      ma seegi-waayo” iyo waxyaalo kale. Laakiin ninka tobanka barood-ba waxa 
      lagu tilmaamaa ama qiime ahaan loogu yeedhaa “Ninkaasi waa boqole”.
 Marka laga hadlayo qiimaynta ragga waxa loogu yeedhaa naanayso kala duwan 
      oo la xidhiidha had-ba ay raganimadiisu gaadhsiin tahay, waxaana ka mid ah 
      naanaysaha ama magacyada qiimaha ragga lagu kala sooco: Nin ku toos, nin 
      Karmeed, Qabiilo-ciil, Inan-golyeed, Wiil-googaareed, Aafaad, 
      Inan-qaladeed IWM. Laakiin ninka ragga ugu qiima liita waxa la yidhaahdaa 
      waa ninka gabadha uun ka ilmo-dhala ee raganimo kale lahayn, ninka 
      caynkaas oo kale ah-na waxa loo yaqaan ama lagu naanaysaa “Irmaaneeye”, 
      balse dhinaca kalena ninka tobanka barood ee ragga lagu qiimeeyo mid qudha 
      laga waayo waxa loogu yeedhaa “Laga Inaabsay”, macneheedu yahay nin aan 
      cad la qaato lahayn, waxaase jirta xikmad odhanaysa “Raggu wax yar tare 
      waa leeyahay, balse wax ma tare ma laha”, taas oo macneheedu yahay xataa 
      hadii uu wax kale tari-waayo marka la isu qoodhoole tirsanayo tirada 
      lagama reebi-maayo ee waa lagu darayaa, hadii laga tagona waxa uu keeni 
      karaa nin dheeraad, waayo marka ragga la tirinayo lama kala saaro ee waxa 
      loo tiriyaa qoodhoole.
 Tobankaa barood ee ragga qiimihiisa lagu baad-sooco waxa ka mid ah ama ugu 
      waaweyn: Dirir, Dood iyo Dul (Dulqaad), waxaase tobanka barood ee ragga 
      aabe u ah ama xukuma garaadka, waayo had-ba inta ninka garaadkiisu le’eg 
      yahay ama aqoontiisu le’eg tahay ayey raganimadiisuna le’eg tahay, tix 
      gabay ah ayaa tidhaahda “Raggu waa aqoon, dumarna waa aragga faayaha’e”. 
      Hase yeeshee marka la faallaynayo ragga sida xun u dhaqma ama 
      dabeecadihiisu qalafsan yihiin ama dhaqanka xun leh ama hadii si kale loo 
      yidhaahdo raganimadiisa la dhaliilayo waxa jira naanayso loogu yeedho, 
      kuwaas oo ay ka mid yihiin: Godadle, Xila-gube, Qorqode, Faajeer, 
      Gaaraayacuun, Xinjira-fujaas, Xaaduq, Fule, Budh-laduul, Dhabcaal, Macan-gag 
      IWM.
 Sidoo kale dhaqan ahaan waxa jira wax la yidhaahdo Hiddo-raac, taas oo ay 
      Somalidu tidhaahdo “ninka sifadaa leh, gabadh caynkaas ah ayaa dhasha”, 
      iyadoo ay taasi tahay mala-awaal aan boqolkiiba boqol ahayn, masalan waxa 
      la yidhaahdaa “Ninka geesiga ah waxa dhashay naag basari ah”, sidoo kale 
      waxa la yidhaahdaa naagta gaarida ahi waxay dhashaa ninka xaragada badan , 
      sidoo kale naagta marwada loo yaqaan waxa la yidhaahdaa waxay dhashaa 
      ninka geedka loo diro (Ninka golaha shirka loo diro), sidoo kale ninka 
      hawl-karka ah waxa la yidhaahdaa waxa dhasha naagta goon-baarta loo yaqaan, 
      Somaliduna waa ta tidhaahda “Inta gaari la doonayo ayaa goonbaar wiilkeedu 
      ciidamiyaa”.
 
 Nimanka suugaanyanahada ahi gabayada iyo heesaha intaba way ku sheegeen 
      sifooyinka raganimada, tusaale ahaan gabyaaga la odhan jiray Xaleef ayaa 
      isaga oo tilmaamaya sifooyinka nin rag ahi leeyahay waxa uu gabay ku yidhi 
      “Bishma gole ninyahow ka hadli jiray baa’isada geedka, ninyahow talada noo 
      baaqi jiray ee bahi ku raacaysay, ninyahow goolka noo bururin jiray 
      badhaha jiilaalka, ninyahow nabadda beeraayey ee belo bakhtiinaayey, bari 
      iyo galbeed iyo ninyahow bogox-ba doonaysay, benderkiyo ninyahow laga 
      jeclaa baadiyaha reerka, ninyahow barashadiisii dadkuba buug ku qoranaayey, 
      ninyahow biligu saarnaa sidii baabulaha aarka, ninyahow maalin-baasta u 
      xidhnaa laguna beegaayey”.
 
 Sidoo kale heeso badan ayaa lagu tilmaamay sifooyinka dhinaca qiimaha ee 
      ragga, sida “Garta macalinkeediyo waxa tahay ma-dhaafaan” , “Baashihii 
      aqoontow”. Laakiin marka laga yimaaddo hoos u dhaadhicidda iyo sahanka 
      lagu baadi-soocayo qiimaha ragga waxa jira waxyaalo ay ka siman yihiin 
      Inan-rag oo dhami, waxaana ka mid ah: xuquuqda dhalashada, taas oo la 
      odhanayo “Wiil baa dhashay”, waxa kale oo ka mid ah xuquuqda magta, taas 
      oo marka magta la bixinayo ay beesha magta bixinaysaa raggeeda u tiriso 
      qoodhoole, maalintaana ma jiro nin qudha oo tirada oo laga reebayaa, sidoo 
      kale muuqaalka guud raggu waa ka siman yahay oo marka ay koox niman ah oo 
      nooc walba lihi meel marayaan lama odhanayo meeshaa rag iyo dumar baa 
      maraya ee waxa la odhanayaa meeshaa rag baa maraya.
 
 Waxa kale oo ay Somalidu ku maahmaahdaa “Raggu saddex hal ayuu isku bartaa, 
      Urur quutaan, agaabeeye safar iyo Oolimaad deris”. Sidoo kale marka la 
      tilmaamayo sida uu raggu u kala raganimo liito waxa la yidhaahdaa “saddex 
      baa Inan-rag ugu liita, ma toshe, ma tashiishe iyo ma tashade”. Laakiin 
      maahmaah kale ayaa iyana tidhaahda “Saddex baa Inan-rag ugu liita, ma 
      horeeye, ma hanbeeye iyo ma haasaw-she”. Sidoo kale “Saddex ragga amaan u 
      ah ayaa dumarka cay u ah, kuwaas oo ah: doodda, deeqda iyo dagaalka”.
 Top
       
 
        
          | Waadiga Ciyaaraha:
      Kooxaha Xulka Sheekh Iyo Hargeysa Spring Water Oo 1-1 Isla Dhaafi Waayey |  C/fataax M. Caydiid.
 Hargeysa (Haatuf) Ciyaar saaxiibtinimo ayaa shalay ku dhexmartay garoonka 
      Hargeysa Staduim labada kooxood ee xulka degmada Sheekh iyo kooxda 
      Hargeysa Spring Water.
 
 Ciyaartaas waxay ku dhamaatay 1-1, iyada oo ay labada kooxood-ba soo 
      bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan, haddaba ciyaarta labadan kooxood 
      waxay ka dambaysay safar ciyaareed oo ay kooxda xulka degmada Sheekh ku 
      timid magaalada Hargeysa, ka markii ay kooxda Hargeysa Spring Water hore 
      ay safar ciyaareed ugu tagtay degmada Sheekh, halkaas oo ay kooxda 
      Hargeysa Spring Water kaga soo badisay kooxda degmada Sheekh 4-1 
      ciyaartaas oo ka dhacday Degmada Sheekh.
 
 Ciyaartii shalay ka dhacday garoonka Hargeysa Staduim waxa labada gool ee 
      labada kooxood u kala dhaliyey Axmed Cismaan (dhugul) Hargeysa Spring 
      Water iyo Maxamuud Cabdi xulka Degmada Sheekh.
 
 Kooxda degmada Sheekh ee safarka Ciyaareed ku joogta magaalada Hargeysa 
      waxay safar ciyaareed ku tegi doontaa magaalooyinka Gebiley iyo Boorame ka 
      dib marka ay ciyaarta labaad la ciyaaraan maanta kooxda Hargeysa Spring 
      Water, sidaana waxa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee garoonka Hargeysa 
      Staduim.
 Top
       
 |