Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 395 August 12, 2003

Natiijadda Imtixaanaadkii Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo La Soo Saaray

NEGAAD Oo Aqoon-Isweydaarsi U Furtay 30 Xubnood Oo Ka Kala Socda Wasaaradaha Dawladda

Dhalinyaradii Xabsiga Laga Sii Daayay Oo Xaflad Ballaadhan Lagu Fooladeeyay

Mudanayaasha Golaha deegaanka Hargeysa Oo Si Weyn Ugu Kala Jabay Xil Ka Qaadista Maayor-Xigeenka

Nin Hawada Sare Jooga Oo Aroosay Gabadh Dhulka Joogta

“Nayruuskii Sannadku Wuxuu Bilaabmayaa Arbacada,” Axmed Cige Ducaale – Khabiir Akhriya Xilliyada Dabiiciga Ah

“Dalka Cidina Uma Maqna, Ceelna Uma Qodna” Cumar Maxamed Cismaan – Xubin ka mid ah Guddiga Fullinta UCID

Liberia: Taylor oo Xilka Ka Degay Iyo Madaxweyne Cusub Oo La Caleemo Saaray

Israa'iil oo Duqaysay Goobo Ka Tirsan Koonfurta Lebanon

Indonesia: Maxkamad La Soo Taagay Wadaad Lagu Eedaynayo Qaraxyo

Yurub Oo Laga Soo Saarayo Sharciyo Lagaga Hortagayo Qaxootiga

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas

Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka, Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale, Q: 7aad.

Waadiga Ciyaaraha: Qorshe Lagu Doonay In Kor Loogu Qaado Aqoonta Xirfadeed Ee Tababarayaasha Ciyaaryahanada, Tababarayaasha Iyo Siidhiwalayaasha Somaliland

Kooxda U Brothers ee Hargeysa oo 5-3 kaga badisay kooxda Degmada Sheekh

 


Natiijadda Imtixaanaadkii Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo La Soo Saaray

Hargeysa (Haatuf): Natiijadda Imtixaanaadkii ardayda ka baxaysay fasalka Afraad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe ayaa shalay la soo saaray, iyada oo ay isku darka ardayda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee imtixaankan u fadhiistay tiradoodu gaadhaysay 4111 arday, laakiin agaasimaha guud wasaaradda waxbarashada C/Raxmaan Maxamed Maal oo saxaafadda u waramay ayaa sheegay inay wasaaradda waxbarashadu 4434 arday markii hore u qorshaysay inay imtixaanka u fadhiistaan, laakiin 323 arday oo isugu jira kuwa dhexe iyo kuwa sare ayaan imtixaanka ka soo xaadirin.

Sida uu agaasimaha guud warbixintiisa ku sheegay 64 dugsi oo isugu jira kuwa dhexe (fasalka 8aad) iyo kuwa sare (fasalka 4aad) ayaa imtixaanaadkan looga fadhiistay, kuwaas oo ay 13 ka mid ahaayeen dugsiyadda sare, halka ay 51-na ahaayeen dugsiyada dhexe, laakiin sida uu agaasimuhu sheegay 35 goobood ayay ahaayeen goobaha imtixaanaadku, kuwaas oo ay 9 goobood lagu galay imtixaanaadka dugsiyada sare, halka 26 goobood-na lagu galay imtixaanaadka dugsiyada dhexe.

Ardayda imtixaanka loo qorsheeyey ee fasalka 8-deeda ee dugsiga dhexe waxay tiradoodu ahayd 3378 arday, laakiin 3180 ayaa imtixaanka fadhiistay, waxaan soo xaadirin 198, waxa gudbay ama imtixaankii ku guulaystay 2170 arday, waxaana dhacay 410 arday.

Sidoo kale ardayda fasalka 4-aad ee dugsiga sare waxa guud ahaan imtixaanka loo qorsheeyey 1056 arday, waxaan soo xaadirin 125 arday, waxaana ku guulaystay 717 arday, waxa dhacay 214 arday, taas oo macnaheedu inay 68% ardayda fasalka 4-aad dugsiga sare ku guulaysteen imtixaanka, halka ay 20% dhaceen iyo 12% aan imtixaanka ka soo qayb gelin.

Sida uu sheegay agaasimaha guud waxa si dhakhso ah gidaarada dugsiyada loogu dhejin doonaa liistada magacyada ardayda imtixaankii fadhiisatay iyo darajooyinka ay ku gudbeen ama ku dhaceen, laakiin waxay wasaaradda waxbarashadu si gaara u soo saartay 10-ka arday ee ugu sareeyey fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo tobankii arday ee ugu sareeyey fasalka 4-aad ee dugsiga sare.
 

Top


NEGAAD Oo Aqoon-Isweydaarsi U Furtay 30 Xubnood Oo Ka Kala Socda Wasaaradaha Dawladda

Hargeysa (Haatuf): Urur-weynaha gaboodka haweenka ee NEGAAD ayaa aqoon isweydaarsi u kala furay soddon xubnood oo ka kala socday wasaaradaha Dawladda.

Aqoon isweydaarsigan oo laga furay xarunta shirarka ee Hotel Ming-Sing, waxa lagaga hadlayay sidii looga doodi lahaa kobcinta dhaqaalaha iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen wasaaradaha Dawladda iyo ururada bulshadu. Guddoomiye xigeenka dalaayadda ururka haweenka ee NEGAAD, Marwo Saado Xaashi oo furitaankii aqoon isweydaarisgaa ka hadashay ayaa sheegtay in loo baahan yahay inay cid waliba horumarka dalka kaalinta kaga aadan ka qaybqaadato, waxayna intaa raacisay in dhinaca xukuumadda looga baahan yahay inay gacan siiyaan ururada bulshada ee ka qaybqaadanaya horumarka dalka iyo inay kaalmo farsamo siiyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah iyo ururada waddaniga ah.

Marwo Saado Xaashi waxay sheegtay inay jiraan mushkilado kusoo kordhay dhinaca hay’adaha iyo ururada bulshada oo waxyeelaysa wada-shaqayntii ka dhaxaysay iyo horumarintii adeegyada bulshada. Waxayna Tusaale usoo qaadatay hay’addii ay toddobaadkan xukuumadda Somaliland dalka ka eriday ee NOVIB oo ay sheegtay inay ahayd hay’ad muddo sanado ah ka shaqaynaysay dalka, isla markaan fulisay mashaariic door ah oo waxtar weyn u leh dalka iyo dadka, laakiin waxay sheegtay inay nasiibb-darro tahay in hay’addaa iyadoo aan la hubsan dalka laga saaray oo weliba ururadii ugu dhaqdhaqaaqa badnaa ee NEGAAD, Candlelight iyo HAVAYOCO lagu sheegay inay yihiin qaran-dumis.

Marwo Saado Xaashi waxay sheegtay iyadoo ka waramaysa wax-qabadka hay’addaa xustay inay dhowaan mar ay Burco booqatay ay indhaheeda ku aragtay 700 oo arday o ou fadhiisanaya imtixaankii dugsiyada sare, kuwaasoo ka mid ah ardayda Candlelight ay wax barto iyo mashaariicda NOVIB, waxayna iyadoo la hadlaysa ka qaybgalayaasha tidhi; “Yaa ka jooga wasaaradda waxbarashada, miyaad ka warhaysaan ardayaa.” Marwo Saado, waxay sheegtay inay dalaayadda NEGAAD ka kooban tahay 32 urur haween, kuwaasoo ay 10 ka mid ahi yihin agoontii iyo naafadii SNM, mana geyaan in lagu yidhaahdo waa qaran-dumis, waxayna intaa ku dartay inay jiraan hay’ado aan oggolayn magaca Somaliland inay dalka joogaan, kuwaasoo adeegsada magaca Somaliya, laakiin ay hay’adda NOVIB qoraaladeeda ku caddaysay magaca Somaliland.

Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo Saddex maalmood ah, waa kii tobnaad ee noociisa ah ee ay qabato NEGAAD.

Top


Dhalinyaradii Xabsiga Laga Sii Daayay Oo Xaflad Ballaadhan Lagu Fooladeeyay

Hargeysa (Haatuf): 9 dhalinyaro ah oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kana mid ahaa dagaalyahankii ururka SNM, oo muddo saddex bilood ku dhaw xadhig siyaasadeed ugu jiray xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa shalay loo sameeyey xaflad balaadhan oo lagu fooladeeyey, ka dib markii la soo daayey khamiistii todobaadkii hore, taas oo ay maxkamadda Hargeysa sheegtay in lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey oo lagu tilmaamay qaran dumis.

Xafladan oo ka dhacday xarunta xisbiga KULMIYE, waxa kale oo ka soo qayb galay madaxda sare ee xisbiga KULMIYE iyo taageerayaal badan, iyada oo ay kooxo dumar ahi si weyn u soo camireen, isla markaana ay haweenku inta badan lahaayeen qaban qaabada munaasibadan, waxayna dhalinyarada la soo daayey, halkaa kaga warameen waayahoodii xadhiga iyo sidii xadhigooda loo maamulay, iyaga oo sheegay in cadaalad darro weyn lagu sameeyey oo ay muddo saddex bilood ah xabsiga jiifeen iyaga oo aan wax dembi ah gelin.

Inamadaa magacyadoodu waxay kala yihiin Cismaan Cabdi Ismaaciil (Awr-liqe), Nuur Guure Cilmi, Axmed Yuusuf Xasan, Maxamed Daahir Warsame, Axmed Barkhadleh Caydiid, Keyse Axmed Cismaan, Maxamed Axmed Xaashi (Maxamed Weere), Cali Cumar Axmed (Cali Aar) iyo Nuux Axmed Jaamac (Laba-Aas), laakiin afhayeen halkaa uga hadlay ayaa tafaasiil dheer ka bixiyey marxaladihii xadhigoodii, balse intii aanay inamadaasi waxaa xafladda furay kuna soo dhaweeyey wiilasha xabsiga laga soo daayey, qaar ka tirsan madaxda KULMIYE, sida Gudoomiyaha Axmed Siilaanyo Maxamed Kaahin.

“Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa dhalinyaradii Mujaahidiinta ahayd ee muddada saddexda bilood gaadhaysa xorriyadoodii aas-aasiga ahayd ee ay xaqa u lahaayeen laga qaaday” sidaa waxa ydhi Maxamed Kaahin, isaga oo intaa ku daray “Warqadii boolisku qoray 28/05/03 waxyaabaha ku qornaa waxa ka mid ahaa kooxda qaran dumiska, kuwa sidaa qorayna waa intii ka dambaysay laynta iyo burburinta ummaddii Soomaaliyeed, laakiin marka la yidhaahdo Siilaanyo waa qaran dumis, Daahir Rayaale waa qaran dumis waa af-liita, waayo Daahir Rayaale waa madaxweyne, oo anaga oo mucaarad ah weligayo afkaa ku hadli mayno, waana afka dadka aan siyaasadda iyo milgaha dawladnimada aqoon ee aan gobta ahayn”.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo ayaa isaguna hadalo kooban oo soo dhaweynta inamadaas ah madasha ka yidhi.

“Halganka iyo dagaalka waxa ka mid ah inaan dulmiga la yeelin,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Intaa ka dib afhayeeno u hadlay kooxdan dhalinyarada ah ayaa halkaa ka jeediyey hadal dheer oo ay kaga warbixinayaan xaaladihii soo maray, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “Adigu UDUB ayaa tahaye maxaa ku soo xidhay, kol hadaad UDUB tahay wax dambi ah maad lahayn, ayaa lagu yidhi laba wiil oo nalala soo xidhay, markaa dambi la’aantu waxay ahayd inaad UDUB tahay, dambiguna wuxuu ahaa KULMIYE-yaad tahay, xeer ilaaliyaha guud ayaa telefoon jeelka noogu soo diray, waxaanu yidhi waa inaad damaanad qortaan inaydaan dambigaa u noqon, laakiin waanu diidnay inaan qaadano dambi aanaan qabin, dawladdu iyada oo aanu codsanay in maxkamad nala geeyo ayey ambiil ka qaadatay, waxa nalagu soo eedeeyey qaran dumis, markii maxkamadda nala geeyey maxkamaddii waxay tidhi waa la idinku waayey dambigii, haddana waxay nooga digtay inaanaan dambigaa u noqon, taasna waxaanu u aragnaa in cid lagu raali gelinayey, cida la raali gelinayeyna ay ahayd wasiirka daakhiliga”.

Dhalinyaradan la qab-qabtay qaarkood waxa laga qabqabtay Hotel-ka Ming-sing, qaarna waxa laga qab-qabtay suuqa, qaar kalena waxa la qabqabtay iyaga oo shaqaynaya, laakiin mid ka mid ah ayaa sheegay in markii la qabanayey rasaas ooda lagaga qaaday isaga iyo gaadhiguu watay, waxayna guud ahaan dhalinyaradaasi sheegeen in dhibaatooyin badan oo hagar-daamo ah loo geystay, sida hanti ka maqan, xadhig cadaalad darro iyo qaar shaqooyinkoodii la waa siiyey.

Sida ku cad qoraal ka soo baxay xafiiska CID-da 22-kii May, 2003, oo uu saxeexay taliyaha CID-da Daahir Muuse Abraar, iyo ninka kiiska baadhayey Siciid Maxamed Obsiiye, waxa dhibane lagu tilmaamay qaranka Somaliland, halka eedaysanayaasha lagu tilmaamay dhalinyaradan.

Waraaqdan oo lagu socodsiiyey maxkamadda gobolka Hargeysa iyo xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa, waxa inamadan lagu eedeey qaran dumis, iyada oo loo cuskaday qodobka 234, ee xeerka ciqaabta, waxaana goobta dambigu ka dhacay lagu tilmaamay xero digaagta, waxaana qoraalkaa lagu yidhi " kooxdani waxay isku hubanayeen, sidii ay khal-khal iyo xasilooni darro uga abuuri lahaayeen dalka, waxaanay is-rasaaseeyeen ciidanka booliska, waxaana hawlgalkaa lagu soo qabtay baabuur noociisu yahay Mark II, waxaana laga helay shan midh oo bambo gacmeed ah iyo konton xabo oo saanwayj ah oo uu baabuurkaasi u waday budhcada qaran dumiska ah, sidaa darteed, waxaanu maxkamadda iyo xeer ilaalinta ka codsanaynaa in xabsiga dhexe loo gudbiyo eedaysanayaashaa,” ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay taliyaha CID-du, ka dibna qalin ayuu dusha kaga qoray garsooraha maxkamaddu, taas oo u leeyahay hore xabsiga ha loogu gudbiyo, sidaana ayaana inamadaa xabsiga dhexe loogu gudbiyey, taasina waxay khilaafsan tahay qaabka xabsiga loogu gudbiyo qof maxbuus ah, taas oo ah inay xeer ilaalintu dalbato ka dibna go’aan maxkamadeed loogu gudbiyo.

Top


Mudanayaasha Golaha deegaanka Hargeysa Oo Si Weyn Ugu Kala Jabay Xil Ka Qaadista Maayor-Xigeenka

Hargeysa (Haatuf): Xubnaha golaha degaanka Hargeysa ayaa fadhigoodii shalay muran iyo buuq weyni ka aloosmay, ka dib markii ay si weyn isugu maan-dhaafeen ajande ku saabsan xil-kaqaadista maayar-xigeenka, taas oo ay mudanayaashu cod u qaadeen, laakiin waxa uu muran weyn ka dhashay ka dib markii uu codaynta ka qayb galay xubintii xil-kaqaadisteeda loo codaynayey oo ah maayar-xigeenka, waxayna mudanayaashu si weyn isugu qabteen ninka xilka laga qaadayaa codaynta inuu ka qayb galo xaq uma laha iyo wuu ka qayb geli karaa, taasina waxay keentay in fadhigii si cadho leh oo aan la is qancin loogu kala dareero, iyadoo aan wax go’aan ah laga gaadhin qoddobkii khilaafku ka dhashay.

Sida ku cad qoraalka ku taariikhaysan 3/8/2003, 15 ka mid ah xubnaha golaha degaanka ayaa soo jeediyey in xilka laga qaado maayar-xigeenka, iyaga oo ku eedaynaya inuu ku talaabsaday musuq-maasuq iyo ku xad-gudub sharci, waxaana soo jeedintaa markii ugu horaysay goluhu ka wada hadlay Axaddii doraad, waxaase go’aan ka gaadhidda ajandahaa loo balamay shalay, sidaa awgeed waxay mudanayaasha golaha degaanku fadhigoodii shalay dood dheer ka yeesheen mawduuca xil-ka qaadista maayar-xigeenka, waxayna mudanayaasha ajandahan soo jeediyey halkaa ka soo jeediyeen waxyaalaha ay ku eedaynayaan. Laakiin ugu horayn markii uu shirku furmay koox kale oo mudanayaal ah ayaa soo jeediyey hindise ah in dib loo dhigo go’aan ka gaadhista qoddobkan, balse mudanayaal kale ayaa iyaguna ku dooday inaan dib loo dhigin ee go’aan laga gaadho, ka dibna waxa loo codeeyey labada aragtiyood ee ay soo kala jeediyeen labada kooxood ee mudanayaasha ahi, taas oo ay xubnihii madasha fadhiyey 13 xubnood oo ka mid ahi u codeeyeen in arinta hadda go’aan laga gaadho oo aan dib loo dhigan, halka ay 10 mudane oo uu ka mid yahay ninka xil-kaqaadistiisa laga doodayaa u codeeyeen in go’aan ka gaadhidda arinta dib loo dhigo, sidaa awgeed waxa uu go’aankii noqday in xil-kaqaadista maayar-xigeenka loo codeeyo, waxaana markaa madasha fadhiyey 24 mudane oo uu ka mid yahay maayarka oo shirka gudoominayey iyo maayar-xigeenka oo ah ninka codka loo qaadayo, taas oo ay 11 mudane u codeeyeen in maayar-xigeenka xilka laga qaado, halka 11 mudanena ay u codeeyeen inaan maayar-xigeenka xilka laga qaadin, laakiin maayar-xigeenka laftiisa ayaa codeeyey, kana mid ahaa xubnaha u codeeyey inaan maayar-xigeenka xilka laga qaadin, hase yeeshee taasi waxay abuurtay buuq iyo sawaxan kulul, ka dib markii ay mudanayaashu isku maandhaafeen ninka xilka laga qaadayaa codaynta kama qayb geli karo iyo wuu ka qayb geli karaa, ka dibna iyadoo aan wax go’aan ah arintaa laga gaadhin ayaa la kala dareeray, iyadoo uu xeerku dhigayo in maayarka ama maayar-xigeenka waxa xilka ka qaadi kara golaha degaanka, waxaana xil-kaqaadistooda soo jeedin kara saddex meelood oo meel xubnaha golaha degaanka, isla markaana waxay xil-kaqaadista kooramku ku ansaxaysaa hal-dheeri.

Markii hore mudanayaasha soo jeediyey in maayar-xigeenka xilka laga qaado waxay ahaayeen 15 xubnood, laakiin 4 ka mid ah ayaa markii xiligii codaynta la gaadhay dhinaca kale u talaabay oo ka soo horjeestay ajandihii ay markii hore wax ka soo jeediyeen, waxayna afartaa xubnood kala yihiin: Aadan C/laahi Cali, Khadar Axmed Like, Yuusuf Maxamed Guuleed iyo mudane Dayr.

Sida ku cad qoraal kale oo ku lifaaqan qoraalka ay shan iyo tobanka mudane saxeexeen ee ku saabsan xil-kaqaadista maayar-xigeenka waxay mudanayaasha ajandahan soo dhigeen ku sheegeen inay badan yihiin qoddobada ay ku eedaynayaan, waxayse qoraalkooda ku xuseen inuu galay ka gar-qaadista dacwado dhinaca dhulka ah, taasna aanu xaq u lahayn, waayo dacwadaha dhulka waxa qaadistooda sharcigu xaq u siiyey guddi 5 xubnood ah oo kala ah: hal qof oo ah garsoore maxkamadda ka tirsan, hal qof oo ka tirsan wasaaradda hawlaha guud, hal qof oo ka tirsan dawladda hoose, hal qof oo ka tirsan wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo xubin ka tirsan golaha degaanka, laakiin guddigaa maayar-xigeenku xubin kama ah guddigaa, taas awgeed bay leeyihiin ragga eedaynta soo jeediyey talaabada caynkaas ah ee uu maayar-xgeenku qaaday waa ku xad-gudub sharci inuu galo dacwado dhinaca dhulka ah. “Wuxuu dhex-galay dacwado ay ku shaqo leeyihiin guddi sharcigu awood u siiyey, taas oo uu gaadhay ilaa heer uu laba dhinac dhaariyo, taasina waa ku xad-gudub iyo jebin sharci, sida uu sheegayo qoddobka 7aad, faqradiisa “A” ee xeer-hoosaadka golaha degaanka”ayey yidhaahdeen mudanayaasha soo jeediyey xil-kaqaadista maayar-xigeenka. Hase yeeshee iyaga oo tilmaamaya fadeexado musuq-maasuq oo uu galay waxay yidhaahdeen “Waxa uu caadaystay inuu mudanuhu awoodda xileed u isticmaalo si qaldan, taas oo uu laaluush ka qaato muwaadiniinta la soo xidhiidha ee ugu baahan saxeexa, taasna waxa tusaale inoogu filan fadeexaddii kamaradda ee ay markii uu qirtay tiroba afar xil-dhibaan goob-joogga ahaayeen”.

Mudanayaasha eedamahan soo jeediyey waxa kale oo ay maayar-xigeenka ku eedeeyeen inuu xilkii loo igmaday ee dhinaca dhulka ka soo bixi-waayey, iyaga oo qoraalkooda ku yidhi “Waxa uu ka soo bixi-waayey shaqadii loo igmaday ee dhulka, taas oo uu maayarku ku wareejiyey awooddii dhulka, ayna tahay in lagala xisaabtamo”.

Maayarka ayaa maayar-xigeenka u igmaday inuu arimaha dhulka maamulo, sidaa awgeed fadeexadaha ama eedaymaha ay mudanayaashani u jeediyeen maayar-xigeenka waxay la xidhiidhaan dhinaca dhulka, waxaana ka mid ah arimaha aad loo hadal hayo gabadh lacag laaluush ah laga qaaday, laakiin kamarad fiidyow ah ka duubtay sidii uu macaamilkaasi u dhacay, iyadoo la sheegay inuu arintaa maayar-xigeenka ku weheliyey ninka la yidhaahdo Oday Cabdi Waraabe oo madax ka ahaa mid ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa, islamarkaana waxay intaa ku darayaan inay jiraan cabashooyin ka soo yeedhaya dhinaca dadweynaha, taas oo la leeyahay marka saxeex looga soo baahdo waxa uu ku xidhayaa xisaab. Laakiin sida ay doonaan wax haw jireene mawduucani waxa uu dood iyo muran kulul ka dhex-abuuray xubnaha golaha degaanka oo ammuurtan si weyn ugu qaybsamay, iyadoo ay doodda ugu darran ee hadda taagani tahay qoddobka odhanaya ninka xil-kaqaadistiisa loo codaynayaa ma qayb geli karaa codaynta, mise kama qayb geli karo, iyadoo ay mudanayaasha qaarkood leeyihiin xaq buu u leeyahay inuu codaynta ka qayb galo, maadaama uu yahay mudane ka tirsan golaha degaanka, halka kuwa kalena leeyihiin xaq uma laha inuu codeeyo maadaama uu yahay ninka xil-kaqaadistiisa la ogolaanayo ama la diidayo, isla markaana mudanayaasha xil-kaqaadista maayar-xigeenka ka soo horjeeda waxay ku doodayaan inaanay ku qanacsanayn eedaymaha loo soo jeediyey maayar-xigeanka, balse waxa la filayaa inay mudanayaasha golaha degaanku wax iskala meel dhigaan fadhiyadooda dambe, iyadoo uu shirarka iyo fadhiyada golaha had iyo goor gudoomiyo maayarka oo ah ninka xilka maamul ee dhinaca dhulka u igmaday maayar-xigeenka.

Top


Nin Hawada Sare Jooga Oo Aroosay Gabadh Dhulka Joogta

Moscow (W.wararka) Arooskii ugu horeeyey ee dhex mara nin hawada jooga iyo gabadh dhulka joogta ayaa ka dhacay dalka Ruushka.

Arooska oo la yidhaa Yuri Malenjenko ayaa ka codsaday bishii Disimber ee kal hore saaxiibadii oo ku nool dalka Mareykanka in ay is-guursadaan, waxeyna isla meel dhigeen iney sidaas yeelaan horaanta bisha August.

Aroosadu waxa ay soo xidhatey dharkii caddaa ee ay caadiyan habluhu soo gashadaan habeenka ay arooska yihiin, waxayna ku timid goobtii arooska laga sameynayey baabuur dhalaalaya.

Laakiin halkaas ayeey waxyaabihii caadiga ahaa ku dhamaadeen markii ay Yekaterina Dmitrieva oo joogta Texas ay hawada ka guursatey ninkii ay jeclayd ee Yuri Malenchenko.

Maadaama ninka arooska ah oo 41 jir aanu shakhsiyan uuna xafladda arooskiisa ka soo qeybgali karin, waxa halkiisii la dhigey oo martidu ay salaameysey sawir kartoon isaga u eg oo uu isagu leeyahay , cirbixiyeenka arooskiisa ay duruufaha shaqo u saamixi waayeen in uu joogo.

Hawshan uu arooska cirbixiyeenka ahi ugu maqanyahay xarunta caalamiga ee hawada sare oo la dheereeyey waxa uu ka soo laaban doonaa bisha Oktoober ee soo socota. Waxaana ay lammaanuhu go'aansadeen in ayna sugi karin xiliga uu ninka wax aroostey samada ka soo laabanayo.
Dharkii uu ku aroosan lahaa ee uu gashan lahaa iyo waxyaabo kale ayaa samada loogu direy. Cirbixiyeen kale oo ninka arooska ah hawada sare la jooga ayaa ogolaadey in uu minxiis u noqdo.

Sidaas ayaana arooskan oo noociisa aan waligii hore loo arag loo diyaariyey, waxaana laga fuliyey xarunta ay leedahay hey'adda dayax gacmeedayada ee Maraykanka ee NASA ee Johnson Space Center oo ku taal magaalada Houston, gobolka Texas ee Mareykanka.

Waxaana lagu fuliyey arooska xidhiidh Telefeshan oo NASA ay ka shaqeysey.

Aroosaddu waxa ay sheegtey in ayna wax mashaakil ah u arkin maqnaasghaha uu ninka aroosanayaa uu ka maqan yahay madasha xafladda arooskeeda.

Inkastoo uu arooskani yahay mid yaab leh, haddana ma mashaakil la'ayn. NASA iyo hey'adda dayax-gacmeedka ee Russia labaduba waxa ay isku dayeen inay arooska iyo aroosadda ay arooskooda dib ugu dhigtaan ilaa inta uu aroosku dhulka ku soo noqonayo, weyse diideen. Waxa kale oo jirta in cilaaqaadka aroosada iyo soddohdeed ayna si fiican ku bilaabmin.

Ninka arooska ah hooyadii waxa laga yaabaa in waxyaaba badan oo ayna haatan ogeyn ay ka hesho Telefeshanka. Lammaanuhu waxa ay xuquuqda filinka laga duubayo arooskooda ay ka iibiyeen shirkad Mareykan ah.

Top


“Nayruuskii Sannadku Wuxuu Bilaabmayaa Arbacada,” Axmed Cige Ducaale – Khabiir Akhriya Xilliyada Dabiiciga Ah

Hargeysa (Haatuf): Axmed Cige Ducaale oo ah khabiir eega ama akhriya xiliyadda dabiiciga ah (nature time reader) ayaa sheegay inuu nayruuskii sannadkani bilaabmayo arbacada berrito, wuxuuna sidaa ku sheegay war uu saxaafadda siiyey shalay, isaga oo sharax ka bixiyey sida ay xiliyaddu isu bed-bedalaan iyo meelaha laga sahamiyo isbedelada wakhtiyada dabiiciga ah, laakiin wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “wakhtigan aynu imika joognaa waa dabayaaqadii xagaaga, waxaana dhamaanaysa dabayshii xagaaga, kolka ay dabaysha xagaa dhamaatana waxa ina qabanaysa dabayshii waqooyiga ka iman jirtay ee deyrta, taasina waa waqtiga kala guurka ee loo yaqaan Nayruuska ama dab shidka ama dab-tuurka, waana xiliga ay reer miyigu qoraan maalinta uu sanadku bilaabmayo, reer miyiguna waa xoolo dhaqatada iyo beeralayda, iyada oo ay labada qoloba cirka eegayaan, taas oo ay reer miyigu eegayaan maalinta wanka idaha lagu sii daynayo halka ay ka garanayaan”.

Axmed Cige Ducaale oo ah nin aqoonyahan ah isaga oo qiyaas ka bixinaya maalinta uu gelayo nayruusku waxa uu yidhi “Waxa bilaabmaya nayruuskii sanadka, goorta uu bilaabmayaana waa ayaamaha uu soo socdo, laakiin aniga waxay ila tahay habeenka Arbacada (Caawa), inuu Nayruusku kow noqonayo, balse bir kuma goyn, waxaanse taa u sheegayaa dadka xidigista yaqaana inay arrintaas ka soo waramaan bal inay sax tahay iyo inay khalad tahay, oo ay yidhaahdaan maalintaasi sidaas ayey sax ku tahay ama ninkaasi waa khalday”.

Axmed Cige Ducaale waxa uu tafaasiil ka bixiyey nayruuska iyo sida loo akhriyo waqtiyada dabiiciga ah, isaga oo soo bandhigay macluumaad xiiso leh oo amuurta la xidhiidha, laakiin la soco cadadka dambe.

Top


“Dalka Cidina Uma Maqna, Ceelna Uma Qodna” Cumar Maxamed Cismaan – Xubin ka mid ah Guddiga Fullinta UCID

Dadka ku nool caasimadda Hargeysa wuxuu inyar u jiraa inuu u le’do haraad iyo biyo la’aan awgeed, Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisana in badan ayay qaylo-dhaantu gaadhay, balse dhegaha ayaay ka furaysteen oo dheg jalaq umay siin.

Habeen walba haddii aad Hargeysa soo dhexmarto 12:00 habeenimo ilaa iyo 5:00 subaxnimo waxaad arkaysaa dadku iyagoo hagogan rag iyo dumarba ayay qasabadaha dul fadhiyaan oo ay jirikaanada ugu jiraan kuyuu, tooshash iyo faynuusyana ay u shidan yhihiin dadkaasi. Qofkii dalka ku cusubi markuu arko dadkan qasabadaha dul fadhiya wuxuu is odhanayaa magaalada caawa waxa ku badan geerida oo waxay dadku dibedda u fadhiyaan tacsi. Waxa kaloo dhacda in tuugtu ay dadkaasi u daba-marto guryahoodii adoo maqlaya baroorta iyo qaylada ka baxaysa dadka laga gurtay wixii guriga u yaalay.

Hargeysa ayaa caynkan ah ee maxaad u malaynaysaa gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka, kuwaasi hadalkooda daa. Waxa haddaba muuqata in Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu iska indho tirayaan dhibaatadaasi oo dadka looma waayeen biyo ku filnaada ee waxaan jirin dheg maqlaysa waxaanad moodaa inuu ula dhaqmayo siyaasaddii Keligood taliyeyaasha ee ahayd dadka dhuunta ha la engejiyo si ay marwalba ugu mashquulaan wixii dhuuntooda marayay oo keliya oo aanay u ogaan Siyaasadda iyo wacyiga dalkoodu ku jiro.

Haddaba Madaxweyne waxaan ku leeyahay dadkani dhibaatada ku jiraa waa dadkii aad Madaxweynaha u ahayd ee haddii ay madhaan ma daarahaad Madaxweyne u noqon oo aad cashuuraha ka qaadi? Looma adkaysan karayo dhibaatadaas ee waxa haboon in laga qaado wixii tallaabo ah ee ku haboon, waxa kale oo aan iftiiminayaa dhibaatada uu Somaliland ku hayo C/laahi Yuusuf iyo maamulkiisu oo duleedka Burco soo gaadhay xukuumadduna aanay wax tallaabo ah ka qaadin, waxaana muuqata in guushii SNM ay soo hoysay inay maanta inyar u jirto inay ceel ku dhacdo, waxaanan leeyahay ha la isu abaabulo sidii dalka loo difaaci lahaa, gaar ahaana SNM oo aan leeyahay xisbiga UCID waa idiinla diyaar iyo dadweynaha reer Somaliland-ba wixii hiil iyo hoo ahee aad u baahataan waayo dalka cid kalena uma maqna ceelna uma qodna.

Cumar maxamuud cismaan, Xubin guddiga Fulinta

Top


Liberia: Taylor oo Xilka Ka Degay Iyo Madaxweyne Cusub Oo La Caleemo Saaray

Monrovia (W.wararka) Madaxweynihii laybeeriya ayaa shalay Xukunka ka degay iyadoo Madaxweyne ku xigeenkiisii talada madaxtinimada loo dhaariyey.

Xaflada uu xilka kaga degay oo ay ka soo qaybgaleen madax ka tirsan afrika waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Nayjeeriyaiyo Koonfur afrika.
Ka hor xil wareejinta Isagoo fadhiya Istuudiyo macmal ah oo uu horyaallo calankii Liberia uuna u shidanyahay dab-dhaliye ama Jeneraator ku socda shidaalkii ugu dambeeyey ee Monrovia yaaley ayuu Charles Taylor si weyn u cambaareeyey Mareykanka. Waxa Taylor Mareykanka ku eedeeyey in ay jabhadaha Liberia hubeysey isagoo Mareykanku isku dayaya in uu u dego dahabka, dheemanta iyo keydka kale ee Liberia u yaalla.

Waxaana uu Taylor intaas ku darey in Mareykanku uu yahay midka isagoo ku khasbaya in uu waddanka ka baxo. Laakiin Taylor hadalkiisa kuma darin hal erey oo ku saabsan marka uu waddanka ka bixi doono.

Fariinta uu Taylor u hayo Mareykanka waa mid fudud, waxa uu leeyahay anigu qeybteydii waan gutey ee markaan idinka ayeey idin taal.

Hadalkaas uu Taylor u jeediyey reer Liberia oo uu cajalad ku duubey waxa uu ku soo gabgabeeyey "waxa aan idiin sheegayaa, ilaahay idinkii, waan soo laaban doonaa".

Top


Israa'iil oo Duqaysay Goobo Ka Tirsan Koonfurta Lebanon

Israa'iil oo Duqaysay Goobo Ka Tirsan Koonfurta Lebanon

Bayrut (W.wararka) Dayuuradaha dagaalka ee Israa'iil ayaa weerar ku qaadey maalintii shalay qalab lidka dayuuradaha ah oo yaaley Koonfurta Lubnaan.

Diyaaradaha Israa'iiliyiinta ayaa bilaabey in ay weeraraan Koonfurta Lebnon, saacado yar ka dib markii xabado lagu soo ridey ay ku dhaceen tuulada Shalomi oo ku taal xuduudda ay Israaiil la leedahay Lebanon.

Weerarkaasi waxa uu jawaab u ahaa weeraro dhinaca gantaalaha ah oo Israa'iiliyiinta uga yimid dhinaca Lebnon oo uu ku dhintey wiil yar oo Israa'iili ahi. Sida laga soo xigtey ciidamada Israa'iiliyiinta, waa markii ugu horeysey ee halkaas dad ku dhintaan tan iyo markii ciidamada Israa'iil ay ka baxeen Koonfurta Lebnon muddo haatan laga joogo saddex sanadood.

Xisbullah waxa ay sheegtey in ay iyagu dayuurado Israa'iil leedahay ay xabado ku rideen, laakiin Israa'iiliyiintu waxa ay sheegeen in Hezbollah ay xabado ku riddey deegaan shicib joogo, waxana ay Xisbullah u sheegeen in ay dab ku ciyaarayaan.

Dori Gold oo la taliya u ah Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Ariel Sharon ayaa sheegey in xaaladdu ay tahay wax aan loo adkeysan karin.
Israa'iil waxa ay sheegeysaa in ay Lebnon, Suuriya iyo Iiran ay masuul ka yihiin weerarada Xisbullah waxaana ay dalalkaas ku eedeysay in ay iyagu yihiin kuwa Xisbullah ku taageeraya in ay Israa'iil weerarto. Waxa ay Israa'iil sheegeysaa in ayna iska dabooleyn fursadda ay xaqa u leedahay ee ku saabsan in ay is-difaacaan sida uu dhigayo qaraarkii tirsiiisu ahaa 54 ee ka soo baxay Qaramada Midoobey.

Wararka siyaasadeed oo ka soo baxaya Israa'iil ayaa sheegaya in Israa'iil ay la tashatey Mareykanaka oo Syria digniin loo direy.

Top


Indonesia: Maxkamad La Soo Taagay Wadaad Lagu Eedaynayo Qaraxyo

JAkarta (W.wararka) Ninka ay booliska Indonesia ku sheegeen in uu soo abaabuley qaraxii sanadkii hore loo geestey Jasiiradda Bali ayaa intii maxkamaddu socotey loo ogolaadey in uu maxkamada dalkaasi ka hor akhriyo war uu gaar u leeyahay.

Isagoo u labisan sidii caadiga isaga u ahayd oo sita shaadh cad iyo koofiyadda Muslimka, ayuu Imam Samudra soo galey maxkamadda isagoo ku dhawaaqaya Allahu akbar. Imam Samudra oo da'diisu tahay 31 sano ahna khabiir ku wanaagsan kombiyuutarada ayaa sida caadada u ahayd markii hore ku hor marey in uu aayado qur'aan ah daliishado intii aanu la hadlin koox ka kooban shan xaakin.

Imaam Samudra ayaa kooxda xeer ilaalinta uga mahad celshay in ay weydiisteen Maxkamadda in isaga dil lagu xukumo, kaas oo ah kan ugu sareeya ee qof dambi lagu soo oogo loo dalbo.

Waxa uu Imaamku yidhi, markii aad dhimato nabad ayaad galeysaa, oo dhimashadu ilaahay bey kuu dhaweeneysaa.

Waxa la sheegayaa in uu Imam Samudra uu qirtey in uu ka qeybqaatey qaraxyadii Oktoobertii kal hor lagu qaadey Jasiiradad Bali oo ay ku dhinteen 202 oo qof. Laakin waxa uu beeneeyey in uu isagu soo abaabuley shirqoolka hawshaasi lagu fuliyey.

Todobaadkii hore mid kale oo ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa qaraxii Bali oo la yidhaa Amrozi ayaa lagu xukumey in meel fageere ah lagu toogto.

Qareenada Amorzi matalaya ayaa la filayaa in ay xereeyaan waraaqo ay rafcaan ugu dalbayaan Amrozi.

Top


Yurub Oo Laga Soo Saarayo Sharciyo Lagaga Hortagayo Qaxootiga

Roma (W.wararka) Talyaaniga oo haya madaxtinimada loo kaltamo ee Midowga Yurub ayaa waxa uu soo diyaarshay qorshe u jeedadiisu tahay dib u celinta dadka sida sharcidarrada ku soo gala dalalka Midowga Yurub.

Waxa kale oo qorshahaasi ka hadlayaa, in sidoo kale dadka hore u weydiistey Yurub magangalyada ee araajidooda qaxotinimo la aqbali waayo la mastaafiriyo.

Waxaana qorshahaasi Talyaaniga uu ku tala jiraa in lagu dhawaaqo toddobaadyada soo socda marka ay dib u billowdaan shaqooyinka madaxtnimada Talyaaniga ee Midowga Yurub.

Xeerka cusub waxa uu dhigayaa in la diyaarsho gaadiid loogu tala galo in lagu masaafiriyo soo galootiga aan sharciga lahayn. Gaadiidkaasi oo ka kooban basas, tareenno, diyaarado iyo marakiib, waxaa ay tahay inay si wadajir ah u abaabulaan labo amba dhowr dal oo xubno ka ah beesha Yurub oo dhex maridoona Midowga Yurub si ey dalkastaba uga soo xambaaraan muhaajiirinta lagu soo oogo amarka eryida, si looga saaro xuduudaha dhulka Midowga Yurub.

Waxaana qorshuhu yahay in dadka la mastaafirinayo loo celiyo dalalkooda, amaba dalkii u dambeyey oo ay ka soo safreen, inta aanay soo galin dal ka tirsan Midowga Yurub. Sikastaba ha ahaatee, dalka dib loogu celinayo qofka la tarxiilayo waa inuu noqdaa mid aan waxba u dhimeynin ammaankiisa.

Dalalka abaabuli doona safaradan waxaa looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan maamulka gadiidka ay tahay in markaasi la isticmaalo, iyo boliiska la saari doona gaadiidka, oo wehelindoona dadka la masaafirinayo. Inkastoo qorshahaasi uu jiro ayaa haddana waxaa dib u billowday doonyaha sida dadka bilaa sharciga ee soo galaya xeebaha konfureed ee Talyaaniga.

Waxaana taas ugu wacan baa la leeyahay hawada oo fiican iyo badda oo deggan ayaa 24 saacadood ee u dambeyey waxaa jasiirada Lampedusa soo gaadhay dad ka badan 130 muhaajriin ah oo doonyo kala duwan la socday.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq yuubka ah.
Dhegaystayaashayada dhegaha waddan lahow, waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aan idinka dibirin jiray wixii aan ilaaq jeebka ku hayay, waxaana maanta idiin lisi doona weriye Mr. Jubi.

Warkii Oo La Wareershay

Madaxweynihii wadanka Laybeeriya ayaa shalay kursiga laga sasabay, kaas oo ku xigeenkiisii sii kambadhuudhsaday.

Xafladaas Madaxweyne sasabka ahayd oo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah ka dambeeye-yaashii kaartadan, ayaa lagu soo waramay in Mr. Jaanis Tooyler oo hore u ahaan jiray Madaxweyne ayaa shalay loogu duceeyay inuu noqdo Madax yare miskiin ah, waxaana bahalkii lagu raray nin ay isku geel-jire ahaan jireen oo ku xige u ahaa.

Qorshahan waxa la gaadhay kadib markii Mr. Jaanis Taylor iyo qolyo ku mucaarid ah dhashta iska saareen, kaas oo dagaal sokeeye ay diinta iskaga bedeleen, kaas oo markii la arkay in doqoniimada noocan ahi dalka burbursanayso ayaa la sheegay in dalka Maraykanku u cawaandiyeeyay oo ninkan Jaanis Taylor ku yidhi: “Waaryaa waa ninka iska dhig bahalkaa kursiga ah ee laysku laynayo, ilayn hooyadaa kuuma iibine, haddii kale sidii Sadaam ayaanu gantaalo kugu dimuqraadiyadayn.”

Haddaba, Mr. Jaanis oo ogaa Ardalniimada Maraykanku la soo baxay beryahan dambe ayaa yidhi: “Okay, I am sleeping aayar oo dhalatay, if it came be oraydh.”

Haddaba ninkanoo ka mid ahaa labadii nin ee saajinka eryaday, ahna ninka itaal roonaade qabqablihii kale ee Biris Jaaras, kuwaas oo sannado hore aan maqmaqli jiray in Caydiid iyo Caato oo kale ay Laybeeriya isku rifayaan, markaas kadib ayaa la sheegay in dimuqraadiyad dawakhsan lagu doortay.

Dalkan Laybeeriya oo ku yaalla sanka galbeed ee caro edeg, kaas oo Maraykanku ku soo celin jiray dadka madow ee uu ka dhergo xoogooda.

Ciraaq

Askarta Maraykan ee dalka Ciraaq darayada ku haysay ayaa lagu soo waramayaa in andhi andhi lagu idlaystay, taas oo indhawaanlaba nagta laga saaray, taas oo lagu soo waramayo in Maraykankii cantaray carar ku dhaw yahay.

Dadka laynaya oo islaamo dagaalyahan ah, ayaa la sheegay inuu dhawr habrood gantaalo la dhacay.

Dhinaca kale, waxa lagu soo waramay in Maraykanka ay ka luntay dawladii ama maamulkii uu rabay inuu Ciraaq ka dhiso.

Sidoo kale Maraykan ayaa asqadoodii ku soo if-baxday kadib markii uu Ciraaq hubna ka waayay, heshiisna ka waayay. Warar aan dhul durugsan aan ugu tegay ayaa tibaaxay in Maraykanku askartiisa dhawaan uu ka rari doono gacanka Carbeed iyo Ciraaqba, taas oo uu doonayo in Carabtu dagaal sokeeye iskaga ciil baxdo.

Dhegaystayaal, warkii waa intaa, imikana gabaygan iskaga dejiya.

Gabay (Baadi-doon)
Waxa tirisay Asli Internet, waxaana ka soo weriyay Cali Duul-duul.

Ragga gabayga buurbuurayaa
Badowyo weeyaane,
Ase kaygu waa baab kaloo
Cidina beegayne,
Badda iyo wuxuu jeexayaa
Webiga baaciise,
Biljam iyo waxaa laga yaqaan
Amase Baariise,
Bayruutna qaar igaga yimi
Way ka baqayeene,
Buushiyo balaayeer marbuu
Gooyay baalaha’e,
Booniyo hadeer looga carar
Agihii Baarliine,
Hubka bariga dhexe lagu ganuu
Bili wadaagaane,
Bulshayahay waxaan yaabanahay
Boqol amuuroode,
Bal ajiiba hadalkayga
Waan soo bandhigayaaye,
Boocane, bannaanada sanaag
Amase Buuhoodle,
Beledkii dhammaayee
Ilaa bari u sii jiidan,
Puntland maaha teeniina
Way kala boqooleene,
Waxa baaxad sooraha dhigee
Baal kasta u diiday,
Ee bohol ku weeteeyay
Baan baadi-doon ahaye.

Boqoriyo Suldaanadii waxbadan
Buuqa nagu waalay,
Beriguu Cigaal dhimman
Raggii baaqa ku asqoobay,
Imikuu dhulkii baylah yahay
Baydh ma celiyaane,
Baalkoodii waxa qooyay
Baan baadi-doon ahaye.

Haamihii Berbera lama hayee
Bilicda weynaayee,
Daraan biidna noo qabaninbaa
Buuxsadoo xidhaye,
Cidda boolidee iibsataan
Baadi-doon ahaye.

Biyihii Hargeysiyo la waa
Balalaxdoodiiye,
Dadku waxay bariis ku karsadaan
Biir la soo dhuraye,
Buqulaaba lagu miisayaa
Bidhiqii caanaha’e,
Booba yare halkuu geystay
Baan baadi-doon ahaye.

Beryahaa dambaba xaalku
Waa kala bilownaaye,
Dadyow badhaha lagu toogtay
Oo baadey baa jiree,
Marka uu baxsado kii dileey
Bay bararafleeyaane,
Bileyskeenu shaqaduu qabtaan
Baadi-doon ahaye.

Booqashaduu Riyaalaba ku tegay
Aradka baasheena,
Dadku waxay ku baaweynayeen
Waa bar kuma taalle,
Halkii aan arrimo baaxadliyo
Buro ka eegaayey,
Barjaa milix la soo dhaafiyeey
Soo balamiyeene,
Iyana biica laga keenay
Baan baadi-doon ahaye.

Kala bixii wasiirada
Markii goluhu baandheeyay,
Ay koox barmoostiyo noqdeen
Qoladii boojawday,
Barqay kala dhaqaaqeen
Haddaan lagu bakhaylayne,
Halkii bay barqanayaan
Kuwii baasidii hadhaye,
Waxaa looga baqanaayo
Baan baadi-doon ahaye.

Barashada dastuurkeenu
Waa buuggag daabacane,
Qodobada ka buuxaa ka badan
Buurihii golise,
Waxaa aydh tirii loola baxay
Amase loo beejo,
Ee buurta sare loola koro
Waa iga baab dedene,
Inta kale waxay biirisaan
Baadi-doon ahaye.

Kastamadu bilaash maaha
Iyo xoolo baadiyahe,
Barta eeriboodhkiyo
Ilaa Booramiyo Saylac,
Baashaan ka eegaba
Hadday wada badheedheene,
Waxa beel ku wada ururiyaan
Baadi-doon ahaye.

Badh-jab bay deegaankii noqdeen
Baal kastuu jiraye,
Burco iyo Hargeysiyo Berberi
Bar isma dhaamaane,
Barigii la magacaabayeey
Bilic lahaayeene,
Waxa kala badh qooshee dilaan
Baadi-doon ahaye.

Bidoodkii shirkii ay qabteen
Waa burburayaaye,
Nimankii birgeydhada ahaa
Toos u soo baxe’e,
Haddaa yelaxow ugu baaqayaa
Hub iyo baaruude,
Cidda buunka loo tumayo
Baan baadi-doon ahaye.

Badraanimo yarkaa baanayaan
Badi la yaabaaye,
Weligii bayaankuu qoraa
Baawar weyn malahe,
Sidii Birdhiskoono kaluu
Boholo jiidhaaye,
Balad nabadda buu soo galoo
Booca kariyaaye,
Cidda Baqasha soo saartay
Baan baadi-doon ahaye.

Top


Hidde Samida Dhaqanka Iyo Milgaha Lagu Kala Qiimeeyo Ragga Iyo Dumarka, Waxa Qorey: Cabdi Caara-Dhuub, Waxana Tifaftiray, A. Ducaale, Q: 7aad.

Ragga Somalidu geela aad buu u jecel yahay, laakiin sida la ogyahay geelu aad buu u hawl badan yahay oo nin waliba kama soo dhalaali karo hawsha uu u baahan yahay , sidaa darteed waxa uu geelu mar walba u baahan yahay wiil adag oo rag ka soo hadhay, kaas oo ceel iyo caws-ba ka giijin kara, taas oo aanu nin jilicsan iyo nin da’weyn midna ku geli karin, laakiin hawsha ugu adag ee geelu waa marka ceelka laga waraabinayo.

Hawsha geela kama soo bixi karo ninka dumarka iyo guryaha ku warwareegaa, isla markaana ninku maalinta uu reer yeesho ee uu naag iyo adhi faraha la gelo geela iyo hawshiisa way xidhiidh furtaan, ka mashquulidda ka sokow ninku marka uu guursado wuu itaal dareeyaa, taas awgeed geelu had iyo goor waxa uu u baahan yahay doob u go’ oo guri iyo naagoba ka dheeraada. Markaa waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa saddex ka mid ah heesaha geela loogu heeso marka la waraabinayo, kuwaas oo tilmaamay marxaladaha dhinaca da’da ee ninka, waxayna heesta hore leedahay “Gaari golahan geed ka waabtaye, gaaf aroosiyo kaama gelin guri”, nin kale ayaa isna ku heesay “Nin magaalada soo maraan maray oo minja-cas helay wallee maydhooy maalintii ceel kuu mijili-waa”.

Sidoo kale nin kale ayaa ku heesay “Nin gabooboo goblamaa xune, waddaan gurahaa guur kuma habana”, laakiin marka laga yimaado ninka xoogga leh ee uu geelu u baahan yahay maalinta ceelka, waxa kale oo isna loo baahan yahay nin oday ah oo yaqaan sida loo dhaqo, bal aynu eegno heestan “Hadaan oday dhiqin, Awrse loo tu’in abuur edegeey illaah mooyee yaa alkumi kara”.

Sidoo kale marka laga hadlayo wiilka ku filaan kara waraabinta geela, iyadoo laga eegayo dhinaca xoogga, waxa la is barbar dhigay dhawr wiil, iyadoo ay doodda meesha taal tahay waa kuma wiilka ka saari kara maalinta ceelka, taas darteedna dhawr wiil ayaa la is barbardhigay, kuwaas oo la yidhi:

Gadh-madoobaha gu’gii maalaa gaydha hore shuba.
Haduu duhursado oo is dabagalo doob u riiriyo, daangaslaa shuba
Waase beentaye wiil dhukatayo dhudhunlaa shuba
Waase beentaye wiil qalatayo qaawan baa shubay
Godooy guun baa kuu guntadayoo, kuu gardaadsaday
Marka laga hadlayo xiliyada ragga waxa jirta xili loo yaqaan Xilasaamad, waana xiliga uu qaangaadhka noqdo, laakiin waxa jirta weedh kale oo iyana loo isticmaalo qaadh-gaadhnimada, taas oo ah gaashaan-qaad.

Gaashaanku waa qalab warmaha iyo tooriyaha lagaga gabado, taas oo awgeed marka uu wiilku bahalkaa qaadi karo ayaa loo yaqaanay gaashaan-qaad, taas oo loola jeedo inuu dagaal geli karo oo qaadan karo qalabka dagaalka ee uu raggu qaato ama hadii si kale loo yidhaahdo waa marka uu wiilku xoogsado ee uu hawl kasta iska caabbiyi karo.

Ninku inta ay da’diisu ka hoosayso 40 jir waxa lagu tiriyaa dhinaca dhalinyaronimada, waxaana la yidhaahdaa waqtigiisa ayuu la ciyaarayaa, isla markaana wax badani uma kala soocna, wuxuuse ra’yiga ninku kala miir-dilaacaa marka uu 40 gaadho ama kor u dhaafo, laakiin dhawr iyo soddon jir ilaa dhawr iyo afartan jir inta u dhaxaysa waxa xiliyada la yidhaahdo waa rag dhaqaaqi ama marxaladaha uu ninku ugu qiimo badan xagga ciidanka iyo firfircoonida iyo xataa dad dhexgalka, waana xiliyada uu ninka qiimihiisu soo baxo ee la garto inuu yahay wax ku ool iyo inaanu wax ku ool ahayn ee qoodhoolo uun yahay.

Marka laga hadlayo raganimada waxa jira laba xikmadood oo aad moodo inay iska soo horjeedaan, laakiin xikmaddu sidaa way ka duwan tahay, waxayna labada hawraarood midi odhanaysaa “Raganimo meel aan dantaadu ku jirin ayey ku jirtaa” iyo ta kale oo odhanaysa “Dantii nimaan aqoon raganimaan duni ku laabnayne”. Laakiin hawraarta hore waxa loola jeeda hadii aanu ninku danihiisa mar-mar dayacin oo aanu danaha guud ee dadka ka shaqayn, raganimo yeelan maayo, waayo hadii la waayo cid danaha guud ka shaqaysa, danaha gaarka ahina jiri maayaan, tusaale ahaan dagaal ninka dani uguma jirto waxa laga yaabaa inaad cid iska hurudda difaacayso, waxaana laga yaabaa inaad ka hesho magac oo lagu yidhaahdo ninkaa hebel waa geesi, isla markaana cid laga yaabo inay danahaaga guud iyo kuwaaga gaarba baabi’iso ay ka warwareegto oo ay cadkaaga meel iska dhigto.

Sidoo kale hadii aanu ninku waxba tabcan doqonimo kama agtegayso, taas oo macneheedu yahay ninku inuu kala garto marka ay dantiisu ku jirto danta guud oo uu ka shaqeeyo waa inuu ka shaqeeyaa iyo marka ay dantiisu ku jirto tiisa gaarka ah oo uu ka shaqeeyo, taas oo uu macneheedu yahay inuu qabsado wixii dano ama hawlo ah ee ka dayacan.

La soco.

Top


Waadiga Ciyaaraha: Qorshe Lagu Doonay In Kor Loogu Qaado Aqoonta Xirfadeed Ee Tababarayaasha Ciyaaryahanada, Tababarayaasha Iyo Siidhiwalayaasha Somaliland

C/fataax M. Caydiid

“Dhammaan ciyaartoyda ka gudubta tijaabadaas, waxay heli doonaan aqoonsiga xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska (English FA),” Maxamuud Aadan Ibraahim.

Dubai (Khaleej Times) – Maxamuud Aadan Ibraahim oo ah nin u dhashay Somaliland oo muddo 31 sannadood ah la soo shaqaynayay ururrada iyo kooxaha ciyaaraha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa olole ugu jira sidii dalkaas loo keeni lahaa tababarayaal iyo Siidhiwalayaal aqoontoodu aad u sareyso, si ay tababar u siyaan sarkiisha ciyaaraha, si loo helo tababarayaal iyo siidhiwalayaal tayadoodu sareyso oo wadani ah.

Maxamuud Aadan, waxa uu sheegay Wargeyska Afka Ingiriisiga ah ee Khaleej Times oo ka soo baxa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) inuu la xidhiidhay Xidhiidhada Kubadda Cagta ee Afrikaan iyo Dalalka Carabta in ay gacan ka siiyaan sidii loo keeni lahaa dalkan UAE tababarayaal iyo siidhiwalayaal heerkoodu sareeyo.

Dhinaca kale, Maxamuud wuxuu sheegay inuu qaar ka mid ah kooxaha isboortiska Somaliland keeno dalka Imaaraadka Carabta, isagoo cadeeyay inuu arrintaas taageero kaga haysto Wasiirka Isboortiska Somaliland, Waxaanu yidhi: “Wasiirku waxa uu ii sheegay inuu jecelyahay inuu kor u qaado heerka tababarayaasha iyo siidhiwalayaasha isboortiska dalka oo dhan.”

Marka laga tago ciyaaraha kubadda cagta, Maxamuud waxa kale oo uu rajaynayaa inuu dhiiri-geliyo ciyaaraha kale, sida; kubadda koleyga iyo ta Laliskaba, isagoo ka faa’iidaysanaya xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay kooxaha labada dal ee UAE iyo Somaliland.

Maxamuud Aadan Ibraahim, waxa uu ka mid ahaa mid ka mid ah Saraakiishii ugu muhiimsanayd ee ka qayb-qaadatay guushii weynayd ee tartankii Baaskiiladaha “Tour de Emirates’ ee sannadihii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii, markaas oo uu ka ahaa xidhiidhka Baaskiiladaha ee dalka Imaaraadka Xoghayaha arrimah Farsamada.
Maxamuud, waxa uu markii ugu horeysay yimid dalka UAE sannadkii 1972-kii oo uu tababare u noqday kooxd ama Naadiga Al-Shucla, isagoo markii dambena tababare u noqday Naadiga Cajmaan.
Maxamuud Aadan, wuxuu markiisii hore dalka Britain ka qaatay Shahaadada Tababarnimada kubadda cagta, isla markaana wuxuu isla dalkaas ka qaatay liisanka ama ruqsadda la siiyo siidhiwalayaasha caalamiga ah.

“Waxaan isku taxalajunayaa in aan ka helo gacan Maamulka Isboortiska dalka Imaaraadku, sidii loogu martiqaadi lahaa Siidhiwalayaal iyo Tababarayaal ka qayb-qaata koorasyada aqoon-korodhsiga ah ee ay bixiyaan wakhtiyada ciyaaraha,” ayuu yidhi Maxamuud Aadan Ibraahim.

Mr. Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay inuu ku talo jiro sidii uu u keeni lahaa kooxo ka mid ah naadiyada Somaliland oo ay ula ciyaaraan kooxaha dalka UAE, si kro loogu qaado xidhiidka Isboortis ee labada dal ka dhexeeya, isagoo intaa ku daray in kumaankun Soomaali ahi ku nool yihiin dalkan, kuwaas oo ka soo qayb-geli doona daawashada ciyaarahan.

Maxamuud Aadan oo khibrad dheer u leh tababarnimada kubadda cagta, ayaa waxa uu sheegay inuu doonayo inuu qabanqaabiyo barnaamij kor loogu qaadayo heerka xirfadeed dhallinyarada ciyaaryahanada ah, kaas oo uu ugu yeedhay “Soccer star’s test” ‘Barnaamijka Tijaabinta xirfad-wanaaga xidiga kubadda cagta’, isagoo Maxamuud sheegay in barnaamijkan tijaabada ahi ku salaysan yahay nidaamka u dejisan Xidhiidhka Kubadda Cagta Ingiriiska.

Mr. Maxamuud, waxa kale oo uu intaa ku daray in Gudoomiyaha Wargeyska caanka ah ee Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe uu gacan ka geystay isku-dabaridka barnaamijkan kor loogu qaadayo tayada ciyaartoyda Somaliland ee lagu qabanayo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), iyadoo uu ka codsaday Tababare Maxamuud Aadan in culayska la saaro kobcinta xirfadaha ciyaartoyda ee dhinacyada: 1) La Orodka kubadda, 2) La laab-laabashada kubadda, 3) Xarfadaynta, 4) Orod-dheerida, 5) Madax ku dhufashada iyo 6) Laadka dheer ama shuutka.

Maxamuud, isagoo sii faahfaahinaya arrintaa, waxa uu sheegay in ciyaaryahanada ka gudba tijaabadaas la siin doono aqoonsi shahaadadeed oo ay bixin doonaan Xidhiidhka kubadda cagta ee Ingiriiska, waxaanu yidhi: “Dhammaan ciyaartoyda ka gudubta tijaabadaas, waxay heli doonaan aqoonsiga Xidhiidhka Kubadda Cagta Ingiriiska (English Football Association).”

Mr. Maxamuud, wuxuu barnaamijkan ku tilmaamay mid faa’iido weyn u yeellan doona mustaqbalka ciyaartoyda da’da yar ee soo koraysa, kaas oo uu ku dhismi doono qaab-ciyaareedkoodu, isla markaana u suurto-gelin doonta in ay wixii gol-daloolooyin ah ee ay leeyihiin kaga takhalusi doonaan.

Top


Kooxda U Brothers ee Hargeysa oo 5-3 kaga badisay kooxda Degmada Sheekh

Hargeysa (Haatuf) – Ciyaar-saaxiibtinimo oo shalay galab ku dhexmartay garoon Xawaadle ee magaalada Hargeysa labada kooxood ee U Brothers Hargeysa iyo koox ka socotay Degmada Sheekh, ayay kooxda U Brothers kaga adkaatay kooxdii Degmada Sheekh 5-3.

Ciyaartan oo ahayd mid daba socotay ciyaar saaxiibtinimo oo hore labada kooxood ugu dhexmartay 26-kii Juun ee sannadkan degmada Sheekh oo ay kooxda U Brothers safar ciyaareed ugu baxeen Gobolka Togdheer, ciyaartaas oo ahayd ciyaar saaxiibtinimo oo lagu xusayay munaasibadda 26 Juun ee markii ay Somaliland Gobanimada ka qaaday Gumaysigii Ingiriiska, waxay guushu ku raacay 3-2 kooxda U Brothers ee ka socotay Magaalada Hargeysa.

Haddaba ciyaartan oo ahayd ciyaartii saaxiibtimo ee labaad, waxay labada kooxood bilowgii ciyaartaba ku bilaabeen jawi weerar iyo weerar celis ah, waxaanay qaybtii hore ciyaartu ku dhammaatay 3-1 ay kooxda U Brothers hogaanka ciyaarta ku haysay.

Qaybtii dambe ciyaarta ayaa iyana ay labada kooxood is weydaarsadeen weerar kala duwan, waxaany geba-gebadii ciyaartu ku dhammaatay 5-2 ay guushu ku raacday kooxda U Brothers ee Hargeysa.

Goolaha kooxda U Brothers, waxa u dhalliyay Axmed “Gurey” oo laba gool dhalliyay, halka Foosi, Kamaal iyo Niciim ay u kala dhalliyeen saddexda gool kale, dhinaca kalena kooxda Degmada Sheekh waxa u kala dhaliyay saddex gool; Caydaruus, Guuleed iyo C/raxmaan “Seenyo”.

Top