Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 396 August 13, 2003

“Tallaabo Kasta Oo Lagu Duudsiyayo Ictiraafka Somaliland Waxay Beesha
Caalamka U Horseedi Kartaa Cawaaqib Xumo,” Warbixin Hortaal Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika

Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo La Soo Saaray Kala Sareynta

Shir Lagu Xallilayo Khilaafaadkii Hadheeyay Jaamacadda Camuud Oo Ka Dhacay Boorama

Haween Reer Kala-Baydh Ah Oo Cabasho La Hortegay Xafiiska Maayorka Gebilay

19 Carruur Ah Oo Laga Keenay Dalalka Scandinavian-Ka Oo La Kulmay Waalidkoodii Ay Kala Baadeen

Kalluumaysatada Reer Berbera Oo Ka Digay Maraakiib Badda Xaalufinaysa
“Waxay Jebiyeen Heshiiskii Lala Galay, Waxaana Xeebaha Wadhan Kalluun Ay Daadiyeen” Bayaan – iskaashatada kalluunka Berbera

Dugsi Hoose/Dhexe Oo Laga Furay Tuulada Wada-Bariis

Allay-Baday: Fursadda Ka Dayacantay Iyo Duruufta Maanta Haysata, Warbixin – Weriyaha Haatuf Ee Gebilay

Qaraxyo Is-biimayn ah oo Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Gudaha Isra’il

Dhammaadka Mudadii Carta Iyo Is-Giijinta C/Qaasim Salaad

Maraykanka Iyo Ururka ECOWAS Oo Ka Wadahadlaya Xaaladda Liberia

Ururada U Ololeeya Deegaanka Oo Dhaliilay Hindise Kasoo Yeedhay Madaxweyne Bush

Indonesia: Maxkamad La Soo Taagay Wadaad Lagu Eedaynayo Qaraxyo

Shirkadaha Coke iyo Pepsi oo lagu eedeeyay sumeyn

“Taariikhda Miilaadigu Lama Socoto Xiliyada Isbedelaya, Waxaana Sax Ah Nayruuska,” Axmed Cige Ducaale – Khabiir Akhriya Xilliyada Dabiiciga Ah


“Tallaabo Kasta Oo Lagu Duudsiyayo Ictiraafka Somaliland Waxay Beesha
Caalamka U Horseedi Kartaa Cawaaqib Xumo,” Warbixin Hortaal Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika


“Tallaabo Kasta Oo Lagu Duudsiyayo Ictiraafka Somaliland Waxay Beesha
Caalamka U Horseedi Kartaa Cawaaqib Xumo,” Warbixin Hortaal Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika

London (Mail And Guardian) – La-taliyayaasha dhinaca sharciga ee wasaaradda arrimaha Koonfur Afrika ayaa taageeray mawqifka Somaliland ee ah inay tahay dal madax banaan, beesha caalamkana ay ka mudan tahay inay ictiraafaan, waxayna la taliyayaashu sidaa ku sheegeen warbixin ay dhawaan u gudbiyeen wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda Koonfur Afrika marwo Nkosazana Dlamini-Zuma, laakiin warbixintaasi waxa ay ka dambaysay qorshe hore oo ay haweenayda wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika la taliyayaasheeda dhinaca sharciga u xilsaartay inay talo ka soo siiyaan sida ay isu waafaqayaan ama isu qabanayaan mawqifka madax banaanida Somaliland iyo ictiraafkeeda marka loo eego sharciyadda caalamiga ah.

Warbixintan ay la taliyayaasha sharciga wasaaradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika hordhigeen wasiirkooda, waxa lagu daabacay Wargeyska Mail and Guardian Newspaper oo ka soo baxa dalka Britain, cadadkiisii soo baxay 11-August 2003, waxaana warbixintaa Wargeyska ku soo daabacay suxufiga magaciisa la yidhaahdo Jean-Jeaques Cornish, iyada oo uu suxufigani ka mid ahaa kooxihii Somaliland yimid xiligii ay dhacaysay doorashadii madaxtooyadu.

La taliyayaasha sharciga ee wasaaradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika waxay warbixintooda ku sheegeen inaan la dafiri karin inay Somaliland u qalanto inay noqoto qaran madax banaan iyo inay beesha caalamka waajib ku tahay inay ictiraafto, iyaga oo intaa ku daray in haddii la duudsiyo xaqa ay Somaliland u leedahay in Ictiraafo ay taasi horseedi karto cawaaqib xumo, waxayna yidhaahdeen “Talaabo kasta oo lagu duudsiyayo ama dib loogu riixayo Ictiraafka Somaliland, waxay beesha caalamka u horseedi kartaa cawaaqib xumo ka dhalata, iyada oo la iska indha-saabo jiritaanka mandaqada ugu xasiloon ee ku taal geeska Afrika iyo dhibaatooyin ku habsada dadka reer Somaliland, kuwaas oo ka dhalan kara Ictiraaf la’aanta awgeed, iyada oo Ictiraaf la’aanta ay dadka reer Somaliland waasiin karto inay helaan kaalmo dibadeed”.

La taliyayaashan waxa kale oo ay warbixintooda ku yidhaahdeen “dawladaha hadda jiraa, haddii ay kala googo’aan waxay maslaxada iyo xasiloonidu ku jirtaa in arrimahooda lagu dhameeyo si nabadgelyo ah iyo wada hadal, xili kasta oo ay suurto gal tahay,
Balse haddii uu habkaa nabadgelyo suurto gal noqon waayo, sida ay hadda xaaladda Soomaaliya tahay oo kale, waxa qaynuunka caalamiga ahi ogolaanayaa in la tixgeliyo sugitaanka cadaaladda, taas oo mudnaanta ka yeelanaysa ilaalinta la ilaalinayo xuduudaha iyo midnimada dhuleed”.

Warbixintan ay soo gudbiyeen la taliyayaasha dhinaca sharciga wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika oo hadda dul taal miiska Dlamini-Zuma (Wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika), waxa iyana ka sii horeysay oo taageersan nuxurka warbixin ay 28-kii July 2003, soo saareen ururka qalalaasaha adduunka (International Crisis Group), oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin ruug cadaa ah, diblomaasiyiin caan ah iyo khubaro aqooneed oo ka kala tirsan dalalka dunida, waxayna warbixintoodu sheegtay inaanay arrinta Somaliland jirin wax kale oo loo dhaafo in Ictiraafo mooyee iyo inay beesha caalamku si waaqiciya hoos ugu eegto mawqifka iyo rabitaanka Somaliland ee ah inay aayaheeda ka tashato ama haddii kale ay beesha caalamku ku adkaysato fikradda khiyaalka ee hadda socota ee ah in la dhawro midnimada jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Top


Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo La Soo Saaray Kala Sareynta

10-ka Arday ee kaalinta 1aad ilaa 10aad u galay imtixaan Shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada Sare ee J. Somaliland sannad-dugsiyeedka 2002/2003, waxayna u kala sareeyaan sida hoos ku qoran

# R/L Magaca Ardayga Dugsiga Dhibcaha
1 1110171 C/Naasir Cali Sahal Sh. C. Jowhar 736
2 1120033 Khadar Xasan Daahir Bookh Al Aqsa 694
3 1120006 Axmed Maxamed Caateeye Cige Al Aqsa 686
4 1120012 C/fataax Maxamed Cismaan Camir Al Aqsa 675
5 2310055 Siciid Faarax Xuseen M. A. Cali 654
6 2120205 Ismaaciil C/laahi Cumar 26ka June 647
7 2110179 C/risaaq Ismaaciil Qalinle Cabdi F/Oomaar 645
8 2110185 Axmed Suleyman Bashir Ismaaciil F/Oomaar 644
9 2310058 Muxyadiin C/laahi Siciid M. A. Cali 635
10 1110173 Abokor Sh. Xuseen Aadan Sh. C. Jowhar 632
Natiijada Dugsiyada Sare
Natiijada Guud ee Imtaxaanka Shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Sannad-Dugsiyeedka 2002/2003

#           School     A       B    C        D      E (Failure)  Absent  Total

1 Sh. Cali Jowhar  4      4       15      32      18               4               77
2 Al Aqsa             10    6        32      17      4                 9               78
3 Bin Kacab         5      6        7         0        1                0               19
4 Faarax Oomaar 5      10      45       33       28              13             134
5 26-ka June        18    15      61       43       21              65             223
6 Ga’an libaax      6      7        40       39       55               9              156
7 M. A. Cali         4      9        29       18       34               8              102
8 Tima Cadde      2       1        23       53       29               10            118
9 Arabsiyo           0       2        3         9         5                 3              22
10 Bursade           2      3         17      10       2                 1              35
11 Sh. Bashir        2      3         21      14        11              2              53
12 Ceerigaabo      0      1         12      12        2                1               28
13 Gar-adag         0      0          1        6         4                0               11

TOTAL 58 67 306 286 214 125 1056
Total Passed 717
Total % Failed 214 (20%)
Total % Absent 125 (12%)
% Passed 68%
% in grades 5% 6% 29% 27% 20% 12%
Kala Sareynta
10ka arday ee kaalinta 1aad ilaa 10aad u galay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasallada 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland sannad-dugsiyeedka 2002/2003, waxayna u kala sareeyaan sidan

# R/L Magaca Ardayga Dugsiga Gobolka Dhibcaha
1 651522 Magan Cali Maxamed Magan Sh.Muxd Warsame Harg/Gabiley 644
2 316304 Ayaan Cilmi Maxamed Cali Ubaya Binu Kacab Borama/Awdal 636
3 613426 Barkhad Max’ed Diiriye Faarax Sh. Madar Hargeysa 629
4 653301 C/risaaq Xasan Cismaan Arabsiyo Hargeysa 628
4 633359 Mustafe Xasan Daahir Cali Qudhac-dheer Hargeysa 628
5 316360 Faysal C/samad Cismaan Axmed Ubaya Binu Kacab Borama/Awdal 626
5 611664 Axmed Idiris Axmed C/laahi Sh. Cali Ibraahim Hargeysa 626
6 316340 Max’ed Cali Bade Cabdi Ubaya Binu kacab Borama/Awdal 620
7 653314 Warsame Cabdi Cilmi Arabsiyo Hargeysa 618
7 316346 Xamse Max’ud Cabaase Xuseen Ubaya Binu kacab Borama/Awdal 618
8 643327 Muse Xasan Faarax Aadan Cali-Jaamac Hargeysa 617
9 632340 C/risaaq Max’ed Cabdi Cabdille Guryo-samo Hargeysa 616
10 111460 Max’ed Ismaaciil Xirsi Max’ud Saaxil Berbera/Saaxil 614

Top


Shir Lagu Xallilayo Khilaafaadkii Hadheeyay Jaamacadda Camuud Oo Ka Dhacay Boorama

Boorama (Haatuf) – Shir lagaga hadlayey kor u qaadidda  hawlaha jaamacadda Cammud. xallinta khilaafkii dhawaanta soo  dhex galay maamulka Jaamacadda  iyo adkaynta  midnimda  shacbiga
gobolka  ee ku waajahan dhismaha jaamacaddaasi ayaa saaka lagu qabtay hoolka shirarka Dawladda Hoose ee Boorama.

Sida uu kusoo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, Kulankan oo uu guyddoominayey Duqa Boorama Cabdiraxmaan sheekh Cumar ayaa waxa kale oo kasoo qaybgalay Aqoonyahanada qurbajoogga ah ee Reer Boorama  isla markaana qayb kasoo qaatay dhismaha jaamacadda Cammuud, odayaasha  magaalada kale ,iyo dadweyne iyo waxgarad kaleba. Duqa Boorama oo saaka furay hadal ujeedadiisu ahayd sidii reer Boorama u muujin lahaayeen  rabitaanka Jaamacaddaasi iyo sidii ay ugu dadaali lahaayeen jiritaakeeda waxanu sheegay inaan la iloobi karin  dadkii usoo halgamay dhismeheeda ,cid kasta oo  ka mid ah dadweynaha gobolkuna xaq u leeyahay inuu helo manaafacaadkeeda. Duqa kaddib waxa  iyaguna haalkaasi ka hadlay qaar ka tirsan odayasha iyo waxgaradka ku nool magaalada, iyadoo hadalkooda ay kaga sinnaayeen sida looga xunyahay wax kasta oo dhacayba   saamaynnna ku yeelan kara aayayaha Jaamacaddaasi.Waxa kale oo hadalladooda  ku jiray sida loogu baahanyahay in xal loo helo khilaafkaasi sababta u noqon kara in reer Awdal ku kala qaybsami karaan,duminayana magaca jaamacadda cammuud.

Suldaan, Baade Xaddi, Xaaji cali Dhuux, Caaqil Saleebaan Cali  Kaahiye Xaaji Jaamac Muxumed iyo xubno kale oo waxgaradka reer Boorama ahi waxay aqoonyahanada xaqiiqo raadiska  ah ee shirka joogay uga ballanqaadeen in wax kasta oo jaamacadda u keeni kara dhibaatooyin  saameeya ay ku khasbanyihiin xalkeeda.

Shirkan saaka oo marmarka qaarkood hadallo kulkulul la isku weydaarsanayey ayaa duqa magaaladu jawigiisa debciyey kaddib markii ninka la yidhaa Tukaale Riiraash bilaabay hadal loo diiday cajaladaha saxaafadda maqalka iyo muuqaalkaba leh oo khusaynayey khilaafka
la sheegay waxa sababay.

Ugu dambayntiina jawiga shirkan ayaa  ahaa mid baal cusub oo wadahadal ah u furaya  cidda uu khuseeyey khilaafka dhinaca maamulka ee dhawaan jaamacadda  soo galay,si loo  qanciyo cidii wax tabanaysay, cidda wax laga tabanayey iyo dadkii u soo halgamay dhismeheeda.Inkastoo aqoonyahanada Gobolka u dhashay ee u yimi arrintani anay  ka hadal goobtan saaka ,hase yeshee waxa la filayaa  inay soo saari doonaan talooyin lagusii xoojin karo jiritaanka jaamacadda.

Top


Haween Reer Kala-Baydh Ah Oo Cabasho La Hortegay Xafiiska Maayorka Gebilay

Gebilay (HaatuF):Haween ay tiradoodu gaadhayso ilaa 35 xubnood oo reer Kala-baydh ah ayaa shalay maamulka degmada Gebilay soo gaadhsiiyey cabasho la xidhiidha dhibaatooyin ay sheegeen inay haysato, iyaga oo xaaladda adeeg ee magaaladooda ku tilmaamay mid aad u liidata.

Sida uu ku soo warmay ee degmada Gabiley Maxamed Xasan Yare, kooxdan dumarka ahi subaxnimadii hore ee shalay ayey bas weyn kaga yimaadeen magaalada Kalabaydh, waxayna yimaadeen xarunta maamulka ee degmada Gabiley, halkaas oo ay maayarka Gabiley C/Qaadir Axmed Cumar ugu gudbiyeen qoraal ay ku tilmaameen waxyaabaha ay ka cabanayaan, laakiin qoraalkaa ka sokow waxa uu maayarku haweenkaa kula hadlay hoolka shirarka ee xarunta dawladda hoose, halkaas oo uu dumarkaa ka dhegaystay waxyaalaha ay ka cabanayaan.

Maryan Siciid Jaamac oo ka mid ahayd kooxdaa haweenka ayaa iyada oo tilmaamaysa waxyaalaha ay ka cabanayaan tidhi “Anagu waxaanu u soconay in wax nalagala qabto dhibaatooyin magaaladayada ka jira oo is-biir-biirsaday, kuwaas oo haddii aan si deg deg ah wax looga qaban keenaya inaan nololiba magaalada ka suurto gelin”, laakiin Maryan iyada oo hoos ugu dhaadhacaysa dhibaatada ay ka cabanayaan waxay tidhi “Anaga oo og inay Kalabaydh tahay il-dhaqaale oo ay maalin walba ka soo xeroodaan dakhli boqolaal Milyan oo shilin ahi, haddana waxa reer Kalabaydh bishii nagaga dhinta toban haween ah, kuwaas oointa fooshooda lagu sii wado Gabiley dhinta, masalan Kalabaydh toban sannadood ka hor ayaa laga dhisay MCH, laakiin ilaa maalintii la dhisay ilaa maanta albaabadaa u xidhnaa, waxayna noqotay kharaabad, ta kale magaaladu biyo ma leh, oo xaalkeeda Ilaahay uunbaa og, sariibadiina way dunsantahay, ma lihin meel maxaabiista lagu xidho oo Gabiley baa la geeyaa, iskuulkii carruurtu wax baranaysayna wuu dumay, mana jiro adeeg kale oo naloo qabtaa, taasina waa ta maanta na soo saartay”.

Maryan Siciid Jaamac waxay sheegtay inay dhibaatadan hore ugu sheegeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo midba mar socdaal ku yimid Kalabaydh, iyada oo intaa ku dartay “Saddex maayar oo isaga dambeeyey Gabiley-na mid walba waanu u sheegnay, laakiin ilaa hadda waxba lagama qaban, sidaa darteed waxaanu maanta halkan u nimid in wax laga qabto dhibaatadaa”.

Maayarka Gabiley C/Qaadir Axmed Cumar ayaa isna sheegay inay arrimahaa wax ka qabanayaan, wuxuuna sheegay inay arrinta MCH-ka todobaadkii tegay dhamaystireen qorshe dib loogu habaynayo, isla markaana ay doonayaan inay si deg deg ah u furaan, una diyaariyeen dhakhaatiirtii ka hawlgeli lahayd, laakiin wuxuu intaa ku daray inay sugayaan hay’adda WHO oo balan qaaday inay keenayso daawooyinka MCH-kaa lagu isticmaalayo.

Sidoo kale waxa uu maayarku sheegay inuu Iskuulka Kalabaydh u dirayo Ingineero soo qiimeeya baahidiisa, ka dibna ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystirayaan waxyaalaha uu u baahan yahay, wuxuuna sheegay inay maalmaha soo socda tegi doonaan magaalada Kalabaydh, si ay u soo dersaan baahiyaha halkaa ka jira, isaga oo tilmaamay inay maamul ahaan ka go’antahay inay si deg deg ah wax uga qabtaan wixii baahiya ee magaalada ka jira.

Top


19 Carruur Ah Oo Laga Keenay Dalalka Scandinavian-Ka Oo La Kulmay Waalidkoodii Ay Kala Baadeen

19 Carruur Ah Oo Laga Keenay Dalalka Scandinavian-Ka Oo La Kulmay Waalidkoodii Ay Kala Baadeen “Mar waxaan is idhi inankaagii wuu gaaloobay, marna waxaan u maleeyay in la iibiyay oo aanan dib u arkayn,” Foozia Axmed Oo Wiilkeedii ay isugu dambaysay dhawr iyo toban sannadood ka hor

Hargeysa (Haatuf) – Hay’adda Save the Children ee Denmark, ayaa June 26-keedii dalka Somaliland booqasho u keentay koox dhallinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo iyaga oo carruur ah qaxootinimo ku tegay dalalka Norway, Denmark iyo Sweden, halkaas oo ay ku noolaayeen ilaa intii ka dambaysay barakacii, qaxii iyo xasuuqii uu nidaamkii Siyaad Barre kula kacay dadka rayidka ah ee reer Somaliland dabayaaqadii sannadihii sideedtanaadkii.

Haddaba, kooxdan dhallinyarada ah oo tiradoodu ahayd 19 qof, ayaa ahaa qaar ay waalidiintooda Somaliland ku sugan kala baadeen oo ay isugu dambaysay tan iyo wakhtigii ay carruurta ahaayeen, baahi laxaad lehna u qabay inay is arkaan, waxa kadib markii ay dib ugu soo laabteen dalkoodii hooyo u suurtoobay inay la kulmaan waalidiintoodii iyo ehelkoodii ay u boholyoobeen, isla markaana ay fursad u helaan in ay indhaha saaraan dalkii ay ka qaxeen oo ku sugan nabad iyo xasilooni buuxda, taas oo ah mid aad uga gedisan xaaladii ay kaga tageen iyaga oo dhallaan ah.

Haddaba, xaflad shalay gelinkii hore lagu qabtay Maansoor Hotel oo lagu soo gebo-gabaynayay safarka dhallinyaradan oo ay ka soo qayb-galeen iyaga iyo waalidiintoodii, wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland, Ismaaciil Madar, iyo laba sarkaal oo ka kala tirsan Save the Children Demark [Yuusuf Cabdillaahi Cumar] iyo Save the Children Sweden [Cabdillaahi Xasan], waxa hadalo jidhiidhico leh munaasibaddaas ka soo jeediyay ubadkii iyo waalidkii muddada dheer kala maqnaa, iyada oo mid waliba ka waramay duruufihii kala maqnaashahooda iyo waayihii nololeed ee taasi ka dhashay.

Najiib Jaamac Faarax, wuxuu ka mid yahay kooxdan dhallinyarada ah ee dalka ku soo laabatay. Waa wiil hadda 16 jir ah oo Hargeysana ku dhashay. Isaga iyo hooyadii Foosiya Axmed, waxay is-mooganaayeen muddo 11 sannadood ah, kadib markii ay habaryartii u kaxaysay dalka Norway.
Najiib markii muddo 4 sannadood ah uu ku noollaa guriga Habaryartii ayaa waxa la soo gudboonaaday mushkilado yaryar oo sababay in dawladda Norway ay ku wareejiso qoys caddaan ah oo lagu aamini karo inay masuul ka noqdaan tarbiyadiisa, taas oo walaac iyo walbahaar ku keentay hooyadii Foosiya oo iyadu Hargeysa ku nooleed, sidaasna uu xidhiidhkoodii ku kala furmay.

Hooyo Foosiya oo shalay ka hadlaysa dhibaatada ay arrintaasi ku keentay, ayaa waxay tidhi: “Mar waxaan is idhi inankaagii wuu gaaloobay, marna waxaan u maleeyay in la iibiyay oo intaan walaashay telefoon u diray ayaan ku idhi anigu waxan ma fahmayo ee inankii imisaad siisatay.”

Mar aanu shalay Najiib weydiinay inuu wax ka xusuusan yahay markii Hargeysa ugu dambeysay ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ahaa malaha 5-6 jir, waxa keliya ee aan xusuusanahay in Bum Bum dhacaysay.”

Najiib wuxuu sheegay in dib u soo noqoshadiisani iyo waliba la kulanka hooyadii ay ku dhalisay dareen aanu sifeyn karayn, waxaase wajigiisa ka muuqday dareen farxad leh.

Najiib oo hadda ay uga hadhsan tahay 2 sannadood wakhtigii uu ka qallin-jebin lahaa dugsiga sare, waxa uu Wargeyska Haatuf u sheegay inuu damacsan yahay mustaqbalka inuu noqdo Injirneer wax dhisa, taas oo uu yidhi waxay la xidhiidhaa rabitaankiisa ah inuu ka qayb-qaato dib-u-dhiska dalkiisii hooyo.

Luul Cabdi Jaamac, waa gabadh 20 jir ah oo ku dhalatay Burco, waxay iyada hooyadeed iyo walaalaheed u qaxeen dalka Kenya, halkaas oo ay ku noolaayeen dhawr sannadood intii aanay 1993-kii u ambabixin dalka Sweden, halkaas oo uu deggenaa Luul aabaheed oo isagu markiiba Somaliland dib ugu soo laabtay ilaa iyo haddana uu ku sugan yahay.
Luul waxa safarkeedan ay ku timid Somaliland ku weheliya laba wiil oo ay walaalo yihiiin, waxaanay gabadhani sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay imaatinkeeda oo iyada iyo walaalaheedba ay la kulmeen aabahood, iyada oo muddadii ay ku sugnaayeen Somaliland ay soo booqdeen magaalada Burco iyo gurigii ay ku noollaan jireen intii aanay halkaas ka qixin.

Luul waxay sheegtay in muddadii ay booqashada ku joogtay Somaliland ay aragtay dad badan oo maskaxda wax uga dhiman yihiin, waxaanay tidhi: “Waxaan jecelahay inaan mustaqbalka noqdo dhakhtar takhasus u leh wax-ka-qabashada waalida, si aan dadkayga wax u tari karo.”

Dhinaca kale, Luul waxay dadka reer Somaliland ee iyagu aan qabin xannuunka maskaxda u soo jeedisay in ay dadka waalan u naxariistaan oo aanay dhibsan.

Sida uu noo sheegay Yuusuf Cabdillaahi Cumar oo muddo 9 sannadood ah la soo shaqaynayay hay’adda Save the Children Demark, waxa jira carruur Soomaaliyeed oo wakhtiyadii dagaalada u qaxday dalalka Yurubta galbeed, gaar ahaan kuwa Scandinavian-ka ee ku yaalla Waqooyiga Yurub, iyaga oo ay carruurtaasi halkaas tageen labadooda waalid la’aantood ama mid ka mid ahi soo raacay, taas oo markii dambe saameyn ku yeelatay noloshii cusbeed ee carruurtaas qaar ka mid ah, waxaanu Yuusuf Cabdillaahi u soo jeediyay shacbiga reer Somaliland ee dalka gudahiisa ku sugan, siiba dhallinyarada da’da yar in ay soo dhaweeyaan walaalahooda ay isku faca yihiin ee ka soo noqonaya qurbaha markay dalkoodii hooyo ku soo laabtaan.

“Waxa laga yaabaa in ay xidhan yihiin dhar aan hore loo arki jirin ama af-soomaaligooda khalad laga dhadhansado, laakiin waa in wax loo sheegaa, loona dulqaataa si aanay u niyad-jabin,” ayuu yidhi Yuusuf.

Booqashada ay dhallinyaradani ku yimaadeen Somaliland, waxa iska kaashaday hay’adda Save the Children ee ka dhisan dalalka Demark, Norway iyo Sweden, Hay’adda Qaxoontiga ee Denmark (DRC) iyo ururka Midowga Yurub.

Sida uu noo sheegay Agaasimaha xafiiska Save the Children Denmark ku leedahay Hargeysa, Mr. Ashebir, ujeedada ka dambaysay imaatinka kooxdan dhallinyarada ah, waxay ahayd in la soo nooleeyo xidhiidhkii ay la lahaayeen waalidkooda, dalkooda, dhaqankooda iyo diintoodaba, taas oo loo arko in ay wax ka tari karto dhibaatooyinkii qurba-joognimadu ku reebay noloshooda.

Top


Kalluumaysatada Reer Berbera Oo Ka Digay Maraakiib Badda Xaalufinaysa
“Waxay Jebiyeen Heshiiskii Lala Galay, Waxaana Xeebaha Wadhan Kalluun Ay Daadiyeen” Bayaan – iskaashatada kalluunka Berbera

Berbera (Haatuf): Iskaashatada Kaluumaysiga Berbera (Berbera Fishing Co-operative) ayaa ku baaqay in la joojiyo hawlgalada ay wadaan maraakiib ajanabi ah oo ka kaluumaysatada biyaha badda Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay inay maraakiibtaasi jabiyeen qaabkii kaluumaysi ee heshiiska lagula galay, iyada oo ay maraakiibtaa hore heshiis ula gashay wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland, heshiiskaas oo uu wasiirku kaluumaysigu saxeexay 19-kii June, 2003, sida ku cad qoraal af Ingiriisi oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

Iskaashatadani waxa ay sidaa ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen 6-dii August, 2003, oo uu na soo gaadhsiiyey weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X.Daahir, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi qornaa sidan:

“Ka dib markii aanu aragnay nuqulka heshiiska wasaaradda kaluumaysigu la gashay shirkadda Almis, oo uu qodobka koowaad yahay in todoba markab rukhso kaluumaysi loo siiyey biyahaha Somaliland, iyaga oo ku kaluumaysanaya jeestada (Long Line), qodobka labaadna tilmaamayo inay xeebta ka fogaadaan toban KM, laakiin waxaanu ogaanay inaanay maraakiibta laga hadlayaa u qaabaysnayn jeestada (long line), ee ay yihiin maraakiibta jiriifta badda oo ah nooca badda xaalufiya, waxaana taa cadaynaya shabaagta wax xaalufisa oo maraakiibtaa saaran, waxaana taa cadaynaya sawiro aanu ka soo qaadnay, waxa kale oo la cadeeyey inay ka kaluumaystaan xeeliga oo ah halka mawjadu ka jabto, xeebta u jirta qiyaas dhan 200m, meeshaas oo xataa laashashku dhaafeen sidaa awgeed waxaa noo cadaatay inay jabiyeen heshiiskii kaluumaysi ee ay ku hawlgaleen sidaa darteedna uu qabanayo qodobka lixaad ee heshiiska shirkada lala galay.

Waxa isna jabay qodobka xadidaya 5km ee uu tilmaamayo sharciga kaluumaysiga Somaliland.

Haddii ay jeesto ku shaqaysanayaan waxa waajib ahayd in laga rogo shabaagta ay wataan oo la siiyo markay hawshooda dhamaysteen.

Waxa la xaqiijiyey in muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen inay kaluun badan ku daadiyeen xeebaha oo uu hadda wadhan yahay, waxaana cadaatay inaanay wasaaraddu fananadaad ku samayn qalabka ay sitaan. Waxa cadaatay in kormeerayaasha la saaray inaanay tababar iyo aqoon u lahayn hawsha loo dhiibay.

Waxay wasaaradda kaluumaysigu caadaysatay inay bixiso rukhsado kaluumaysi oo mad-madaw leh, iskana horkeena kaluumaysatada iyo shirkadaha rukhsadaha kaluumaysi la siiyo, laakiin arrinkan imika waxaanu dareensanahay inaanu wasiirka cusubi Maxamed Siciid Gees wax badan kala socon, balse ay ahayd arrin uu wasiirkii hore ee la bedelay sii qorsheeyey.

Maraakiibta shirkadaha kaluumaysatada shisheeyuhu waxay khasaare balaadhan u geystaan kaluumaysatada wadaniga iyo hantidooda.

Sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa dawladda,, labada gole, axsaabta iyo ciddii kale ee damqasho ka hayso kheyraadka badda in la joojiyo maraakiibta jiriifta, waayo waxay xaalufinayaan xeebaha, isla markaana dhibaato u geysanayaan deegaanka kaluunka, iyaga oo burburinaya shacaabiga oo ah gaboodka noolaha badda, iyo iyaga oo khasaare balaadhan u geysanaya hantida kaluumaysatada danyarta ah.

Waxaanu soo dhaweynaynaa heshiis kasta oo ay wasaaraddu bixiso oo ah inay maraakiibta rukhsadaha la siiyey ku shaqeeyaan qaabka jeestada (long line), waxaananu ka soo horjeednaa heshiisyada jiriifta oo ah nooc xaalufinaya badda.

Waxaanu wasaaradda kaluumaysiga kula talin lahayn inay kordhiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa ururada kaluumaysatada ah iyo maamulkooda, si ay ula socdaan baahiyaha ka jira aagaga ay degen yihiin kaluumaysatadu”.
Qoraalkan waxa saxeexay xubnaha kala ah:

Yuusuf Maxamed Maxamuud Gudoomiye
C/laahi Ismaaciil Cadde Xubin
Maxamed Xuseen Yuusuf xubin
Cabdi Nuur Maxamed Cali Xubin
Siciid Cali Maacaleesh Xubin
Cali Xirsi Cali Xubin
Liibaan Maxamed Liibaan Xubin
Ismaaciil Maxamed Dhunkaal xubin
Maxamuud X. Iidle xubin
Cumar Cabdi Cali xubin
Yuusuf Maxamed Axmed xubin
Aadan xasan cawed xubin
Maxamuud cashuur aadan xubin
Jaamac axmed cashuur xubin
Maxamed siciid faarax xubin
Cumar aadan cismaan xubin
Red Sea Fishing Co. xubin
Al-Imra Fishing Co. xubin
Xeebsoor Fishing Co.
Maxamuud xasan yuusuf xubin
Cismaan Daroor xasan

Top


Dugsi Hoose/Dhexe Oo Laga Furay Tuulada Wada-Bariis

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hargeysa, Axmed Cali Toor, ayaa maalintii shalay socdaal ku tegay tuulada Wada-bariis oo ka tirsan degmada Fara-weyne. Guddoomiyaha oo ujeedada socdaalkiisu ahayd furitaanka dugsiga hoose/dhexe ee tuulada wada-bariis oo ay maal-gelisay hay’adda Dennis Refugee Council, sannadkii 2001.
Dugsigani waxa uu ka kooban yahay laba fasal, iyadoo shalay si rasmi ah loo furay, waxaana lagu bilaabay 60 arday. Xafladii furitaankana waxa kasoo qaybgalay maamulka dugsiga, odayaasha deegaanka wada-bariis iyo ardayda dugsigaasi. Waxaana guddoomiyaha ku soo dhoweeyay halkaasi taliyaha saldhiga booliska degmada fara-weyne, Saleebaan Yaasiin Axmed oo sheegay inuu ka wakiil yahay Guddoomiyaha degmada Fara-weyne oo hawl shaqo ku baaqday.

Tuulada wada-bariis oo ku taala xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxay caasimadda u jirtaa masaafo dhan 49 km, dhinaca koonfur galbeed.

Top


Allay-Baday: Fursadda Ka Dayacantay Iyo Duruufta Maanta Haysata, Warbixin – Weriyaha Haatuf Ee Gebilay

Allaybadday (Haatuf): Magaalada Allaybadday waxa hadda ka muuqata xaaladeed busaaradeed oo dhinaca ganacsiga ah, taas oo ka duwan sidii ay muddo ka hor ahayd, waxaana magaaladaa saameeyey isbedel dhinaca ganacsiga ah oo soo food saaray, ka dib markii ay ka wareegeen kooxihii ganacsatada ahaa , laakiin sida ay arintaasi u dhacday iyo guud ahaan sida ay tahay xaaladda magaalada Allaybadday waxa warbixin nooga soo diray weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan, waana tan warbixintii:

“Inkasta oo ay degaamada kulaalaya jiidaha xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya ay waqtigan xaadirka ah ku jiraan xili roobaadkii, taasina ay degaanka ka dhigtay meel jimcoon, iyadoo ay dadku hadda ku mashquulsan yihiin beerista dalagyada kala duwan ee beeraha, laakiin hadana magaalada Allaybadday waxa ka muuqda jawi busaaradeed iyo xarakaad la’aan, taasina waxay ka dambaysay markii ay dadkii ganacsatada ahaa magaalada ka guureen. Sidaa awgeed waxa haawanaya dhamaan dhismayaashii iyo bakhaaradii ganacsiga, ka dib markii laga gurtay alaabooyinkii ganacsiga, taasina way ka duwan tahay sidii ay xaaladda magaaladu ahayd markii iigu dambaysay, waqtigaas oo ahayd xiligii doorashooyinka madaxtooyada waxa magaalada ka socday dhisidda guryo ganacsi oo habeen iyo maalinba la waddo, isla markaana waxa magaalada buuxiyey, taas oo usha cirka loo tuuraa aanay meel banaan ku dhacayn, waxaana socday dhaqdhaqaaq ganacsi oo xaami ah, iyadoo ay dadka iyo gawaadhidu habeen iyo maalin galaabaxayeen. Sidoo kale xiligaa waxa cirka isku shareeray qiimaha iibka dhulka iyo kirooyinka bakhaarada ganacsiga, taas oo masalan bog-cadda la doonayo in bakhaar laga dhiso lagu kala iibsan jiray ilaa 4500 Dolar, sidoo kale bakhaarka waxa lagu kiraysan jiray 800---1000 Birr, waqtigaasna waxaad arki jirtay iyadoo ay ganacsatadu baryayaan dadka reer Allaybadday si ya meherad uga kireeyaan ama dhulka ka kireeyaan, taas uu ninka ganacsadaha ahi dhulka dhisi jiray, isla markaana ninka dhulka leh la siin jiray lacag adag oo horumarin ah, taas oo hadhow ka go’aysa kirada dhulka. Laakiin meeshii caynkaa ahayd hadii aad waqtigan xaadirka ah aragto waxaad qaadaysaa amakaag, waayo magaaladii camirayd waxay isu bedeshay meel busaarad ah oo aanu ka socon wax dhaqdhaqaaq ah, isla markaana cidla ah. Tusaale ahaan boqolaal bakhaar oo ahaa kuwa ganacsiga ayaa hadda dhamaantood qufulo waaweyni ka lushaan, sidoo kale waxa iyaguna meesha ka guuray makhaayadihii cuntada, marka laga reebo laba-saddex makhaayadood ay leeyihiin dad reer Allaybadday ahi. Ta kale bakhaaradii bilo ka hor lagu kiraysanayey 1000 Birr ayaa markii hadda kiro loo waayey waxa shaaha ku hoos kariya dumarka makhaayadaha yar yar leh, iyadoo aan wax lacag ah cidina ka qaadin.

Ilaa lixdameeyo qol oo jiingado ah oo xiligaa la siiyey qolooyin bacadlayaal ah ayaa hadda albaabadu is garaacayaan, ka dib markii ay ganacsatadii loo qoondeeyey iska tageen, isla markaana dadka degaanka ah ee reer Allaybadday waxa intooda badani maalintii ku maqan yihiin, taasina waxay magaalada maalintii ka dhigtay meel cidla ah.

Dad reer Allaybadday ah oo aan kala sheekaystay ama waydiiyey sababta ay sidani u dhacday ayaa ku tilmaamay inay tani tahay dhaxalkii fursad soo martay reer Allaybadday, laakiin ay dayaceen oo aanay ka faa’iidaysan, waxayna eedda ugu badan ee dayaca fursaddaa inteeda badan dusha ka saarayaan maamulkii degmada ee waqtigaa, kuwaas oo la leeyahay iyaga ayaa u sabab ahaa inay ganacsatadu meesha ka yaacdo, ka dib markii ay kula dhaqmeen ama kula kaceen dhaqamo ay ganacsatadu ka biyo diideen, laakiin maamulkaa hore waa la bedelay, waxaana jooga maamul kale, kuwaas oo la rumaysan yahay inay arintii wax ka bedeleen oo uu maamulku sidii hore ka wanaagsan yahay, balse hadda ma haystaan fursaddii ay qoladii hore haysteen.

Mar aan booqday xarunta maamulka dawladda hoose ee Allaybadday, waxayna ii sheegeen xubnaha maamulku inay hadda diyaariyeen dhul ay ugu talo galeen saylad lagu iibiyo xoolaha, ka dib markii ay maamulkii hore iibiyeen sayladdii hore ee ganacsiga xoolaha, taasina ay keentay in markii ay dadka xoolaha iibsanayey waayeen meel ay neefkooda ku xidhaan ka wareegeen magaalada, balse waxay intaa ku dareen in tan iyo intii dhulka cusub u diyaariyeen sayladda ay qaybihii ugu horeeyey ee iibka xooluhu soo noqdeen, sida dibiddii, isla markaana ay rajaynayaan inay ganacsatadii magaalada ka wareegtay mar kale dib ugu soo laaban doonaan, iyadoo uu maayarka Allaybadday ii sheegay inay ka go’an tahay inay soo dhoweeyaan ganacsatada doonaysa inay ka baayac-mustarayso magaalada Allaybadday, isaga oo yidhi “Waxaanu siinaynaa dhul bilaash ah oo ay degaan”.

Dhinaca kalena waxa magaalada Allaybadday toddobaadadii ina dhaafay si isdaba joog ah u soo gaadhayey dad qaxooti ah oo ka soo guuray kaamka Harta-sheekh Axmed, kuwaas oo ka mid ahaa qaxootiyada reer Somaliland ee ku noolaa bariga Itoobiya, iyadoo dadkaa lagu soo daad-gureeyey gaadiidka waaweyn ee xamuulka, isla markaana ay soo celintooda maamulayaan saraakiisha wasaaradda dib u dejinta iyo hayadda UNHCR, waxayna dadka qaxootiga ah ee lagu celiyey degaanka Allaybadday ahaayeen ilaa 3000 oo qoys, waxaana la sheegay inay ilaa 7000 qoys weli ku hadhsan yihiin xerada qaxootiga Harta-sheekh.

Sida ay sheegeen saraakiisha hawshan maamulaysay dadka qaxootiga ah ee la soo celiyey waxa qoys walba la soo siiyey sahay cunto ah oo ilaa sagaal bilood ah iyo qofkiiba 45 Dolar, waxayna qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah oo aan la kulmay ii sheegeen in raashinka la soo siiyey ka kooban yahay noocyada kala ah, Qamandi, Misir iyo saliid, waxayse dadka qaar ku cawdeen inaanay haysan dhul ay degaan, isla markaana aanay lacagta la soo siiyey aanay dhul u goynayn, laakiin maayarka Allaybadday ayaa ilaa 320 qoys oo dadkaa ka mid ah ka shaqeeyey sidii uu u dejin lahaa, isla markaana maayarku waxa uu hayadaha samafalka caalamiga ah, gaar ahaan hayadda UNHCR ka codsaday inay dib eegaan xaaladda dadka qaxootiga ah, isaga oo yidhi “Waa in dadkaa laga caawiyo waxyaalaha daruuriga ah ilaa inta ay dib ula qabsanayaan dhaqdhaqaaqa nolosha ee dalkooda”.

Top


Qaraxyo Is-biimayn ah oo Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Gudaha Isra’il

Qudus (W.wararka) Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qaar kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii laba weerar oo isbiimeyn ah, lagu qaaday laba goobood oo ka mid ah gudaha dalka Israa’iil iyo Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta.

Waxay ahayd wax yar kadib sagaalkii subaxnimo markii qaraxu uu gilgilay goob suuq ah oo ku taalla magaalada Rosh Ha'ayin ee Israel oo ku taalla bariga Caaasimada Tel Aviv.

Booliisku, waxay sheegeen in qof bombo isku soo xidhay uu isku qarxiyay irida laga soo galo suuqwaynaha, iyadoo uu galaaftay ugu yaraan hal qof oo isna dhintay.

Ilaa toban qof, ayaa ku dhaawacmay, kuwaasi oo qaarkood si halis ah u dhaawacmeen.

Waqti gaaban kadib, ayaa booliisku ay sheegeen in nin kale oo naftii hure ah oo bomb isku soo xidhay uu isku qarxiyay goob ay askar Israa'iiliyiin ahi bas ku sugayeen taasoo ku taala bannaanka deegaanka Ariel ee Daanta Galbeed.

Falastiinigii naftii huraha ahaa iyo ugu yaraan hal askari oo Israa'iili ah, ayaa ku dhintay goobtaasi, walina ma cadda cidda weerararkan ka dambeysay, hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in ay yihiin kuwii ugu darnaa tan iyo markii xabadjoojinta ay ku dhawaaqeen kooxaha Falastiiniyiinta hubaysan si wadajir ah u sheegay in ay xabadda si ku meelgaar ah u joojinayaa bishii June.

Top


Dhammaadka Mudadii Carta Iyo Is-Giijinta C/Qaasim Salaad

Muqdisho - Shalay oo ay bisha August ahayd 12 waxay ahayd maalintii ugu dambaysay wakhtigii rasmiga ahaa ee xilka loo doortay dowladda C/qaasim ee lagu soo dhisay shirkii Carta , ayaa waxaa shalay uu Cabdiqaasim Salaad Xasan, la hadlay xubnaha golihiisa wasiirrada iyo baarlamaanka iyo weliba maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.

Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta KMG ah ee goleyaasha dowladda oo ah xaruntii hore ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayuu Cabdiqaasim Salaad Xasan ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, waxaana uu ka hadlay ilaa intii la soo dhisay dowladdiisa saddex sano ka hor dhibaatooyinkii ay la kulantay.

Cabdiqaasim waxa uu xusay in aanay dowladdiisu helin dhaqaalihii ay beesha caalamku u ballanqaadeen markii la dhisay dowladdiisa.
Intaasi dhibaatadu kuma ekayn ee sidoo kale, Cabdiqaasim waxa uu tilmaamay in dowladda Itoobiya ay iyaduna ka mid ahayd waxyaabihii ay dowladdiisu ka socon weyday.

Laakiin haddana, Cabdiqaasim waxa uu sheegay in maamulkiisu xitaa uu lahaa khaladaad, inkastoo aanu wada sheegin khaladaadku waxay ahaayeen.

Cabdiqaasim oo si weyn looga sugayey in uu wax ka yidhaahdo maalintan uu ku egyahay xilligii ay dowladdiisu xilka hayn lahayd maaddaama ay u go'day saddex sano ee la soo doortay ayaan haddana sooba hadal qaadin amuurtaasi.

Balse taasi beddelkeeda waxa uu hore u sheegay in uu sharcigu u saamaxayo in ay dowladdiisu sii jirto ilaa inta mid kale oo sharci ah laga helayo, laakiin haddana waxa uu wax ka sheegay dareenka dadka intiisa badani qabaan ee ku saabsan xil korodhsigiisa.

Cabdiqaasim wuxuu sidoo kale ku cadeeyay in uu diyaar u yahay in uu xilka iska dhiibo, haddii maamul cadaalad ah oo ay dadku doorteen uu yimaado.

Ugu dambayntii Cabdiqaasim waxa uu sheegay in aanay dadka Soomaaliyeed ku qatalmin in aanay ciidan shisheeye oo dalka la keeno uuna tuugada ka qaban, ee taasi mar kasta ay noqon doonto xil u yaalla ummadda Soomaaliyeed, sidaasi darteedna waxa uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalka ay hadda wadaan degmooyinka gobolka Banaadir ee ku saabsan xagga amniga xaafadahooda. Balse waxa hadalada C/qaasim ku gacan saydhay Xasan Abshir Faarax oo ah Ra’iisal-wasaarihiisa oo ku dooday inay xilka ku wareejin doonaan Dawladda lagu soo doorto shirka Kenya, isagoo ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo duruufaha ka jira Dawladda Carta tan iyo muddadaa saddexda sanadood ah mar uu shalay weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi.

Top


Maraykanka Iyo Ururka ECOWAS Oo Ka Wadahadlaya Xaaladda Liberia

Monrovia (W.wararka) Madaxweynaha cusub ee loo dhaariyay Liberia ayaa ugu baaqay fallaagada dagaalka ka wada caasimadda inay ku soo biiraan dawladiisa, isagoo ugu yaboohay inay qaataan jagada Madaxweyne xigeenka, balse taasi may joojin dagaaladii ay fallaagadu waday iyadoo ay maalintii shalay dagaalo cusubi ka dhaceen caasimadda Monrovia, waxaanay taasi ku soo beegantay iyadoo madaxweynihii hore ee dalkaasi Taylor u baqoolay dalka Nigeria oo laga siiyay magangelyo siyaasadeed.

Dhinaca kale, xeebaha dalka Liberia ayaa la filayaa in uu gaadho Taliyaha Ciidanka dhulka ee Maraykanka , si uu ciidamada nabad ilaalinta Nigeria wadaxaajooda ugala yeesho arrimo la xidhiidha sidii deeq looga dajin lahaa dekadda magaalada Monrovia.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell ayaa sheegay in Jeneral Thomas Turner uu la kulmi doono taliyaha ciidamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS si la isula eego sida ugu wanaagsan ee loo furayo dekadda oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Mucaaradku.

Madaxweyne Bush ayaa sheegay in go'aanka ah in uu hogaamiyihii Liberia, Charles Taylor uu dalka iskaga baxo oo uu magangalyo siyaasadeed ku tago Nigeria, inay aheyd talaabo wanaajineysa mustaqbalka shacabka Liberia.

Wariyayaasha jooga magaalada Monrovia ayaa sheegaya in kumanaan qof ay isku dayayaan in ay tagaan meelaha ay mucaaradku gacanta ku hayaan oo la sheegayo in laga heli karo cunnoyin badan.

Top


Ururada U Ololeeya Deegaanka Oo Dhaliilay Hindise Kasoo Yeedhay Madaxweyne Bush

Washington (W.wararka) Dadka u ololeeya deegaanka ee dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Bush in welwelka laga qabo dabka qabsada kaymaha uu isticmaalo in uu ku yareeyo shuruucda u dajisan daryeelka deegaanka.

Waxuuna isku dayayaa madaxweynuhu in uu kordhiyo fursadiisaha mar labaad dib loogu soo dooran karo sanadka dambe.

Eedaymahan ayaa waxay daba socodaan hadalo uu madaxweyne Bush ku sheegay in dowladda Mareykanku ay tahay in ay hoos u dhigto keymaha dalkeeda ku yaala, si ay arrintaa gacan uga geysato sidoo looga hortagi lahaa in dadbabka dhashaa aysan sii fidin.

Wariyaha BBCda ee jooga Washington ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka u ololeeya deegaanku in ay isku dayayaan in ay horjoogsadaan sharuucda uu madaxweynaha Maraykanku soo jeediyay ee loo yaqaan hindisaha daryeelka keymaha.

Top


Indonesia: Maxkamad La Soo Taagay Wadaad Lagu Eedaynayo Qaraxyo

JAkarta (W.wararka) Ninka ay booliska Indonesia ku sheegeen in uu soo abaabuley qaraxii sanadkii hore loo geestey Jasiiradda Bali ayaa intii maxkamaddu socotey loo ogolaadey in uu maxkamada dalkaasi ka hor akhriyo war uu gaar u leeyahay.

Isagoo u labisan sidii caadiga isaga u ahayd oo sita shaadh cad iyo koofiyadda Muslimka, ayuu Imam Samudra soo galey maxkamadda isagoo ku dhawaaqaya Allahu akbar. Imam Samudra oo da'diisu tahay 31 sano ahna khabiir ku wanaagsan kombiyuutarada ayaa sida caadada u ahayd markii hore ku hor marey in uu aayado qur'aan ah daliishado intii aanu la hadlin koox ka kooban shan xaakin.

Imaam Samudra ayaa kooxda xeer ilaalinta uga mahad celshay in ay weydiisteen Maxkamadda in isaga dil lagu xukumo, kaas oo ah kan ugu sareeya ee qof dambi lagu soo oogo loo dalbo.

Waxa uu Imaamku yidhi, markii aad dhimato nabad ayaad galeysaa, oo dhimashadu ilaahay bey kuu dhaweeneysaa.

Waxa la sheegayaa in uu Imam Samudra uu qirtey in uu ka qeybqaatey qaraxyadii Oktoobertii kal hor lagu qaadey Jasiiradad Bali oo ay ku dhinteen 202 oo qof. Laakin waxa uu beeneeyey in uu isagu soo abaabuley shirqoolka hawshaasi lagu fuliyey.

Todobaadkii hore mid kale oo ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa qaraxii Bali oo la yidhaa Amrozi ayaa lagu xukumey in meel fageere ah lagu toogto.

Qareenada Amorzi matalaya ayaa la filayaa in ay xereeyaan waraaqo ay rafcaan ugu dalbayaan Amrozi.

Top


Shirkadaha Coke iyo Pepsi oo lagu eedeeyay sumeyn

New Delhi (W.wararka) Dad isugu soo baxay madaharaad magaalada Delhi ee caasimada Hindiya ayaa dalbaday in la mancuuco iibinta Coke cola-da iyo Pepsi-ga. Mudaharaadyo sidaas oo kale ah ayaa todobaadkan gudihiisa iyana lagu qabtay dhowr magaalo oo kale oo ka tirsan dalka Hindiya.

Jaya Jaitley oo ah dadka siyaasada u ololeeya ayaa ka mid aheyd dadka hogaaminayay mudaaharaadyada ka dhanka ah shirkada Coke cola.

Waxayna tidhi, "Waxaan aaminsanahay in arintan aan dalkan looga baahneyn, maxaa yeelay shirkadahani dantoodu ma aha in ay ka bi'iso shacabka Hindiya, ee dantoodu waxay tahay in ay faa'iido weyn helaan, si ay taa ku gaadhaanna waxay sameynayaana wax walba. Xataa haddii ay taasi noqoto in ay nagu quudiyaan bakteeriya."

Arrintan oo dhan waxay ka bilaabantay warbixin ay todobaadkan horaantiisi ay soo saareen koox u ololeysa deegaanka Hindiya oo lagu sheegay in cabitaanada oo ay baadhitaan sheybaadh ku sameeyeen in ay ka heleen xaddi sun ah oo ka badan intii loogu talo galay.

Eedaymahan waxaa beeniyay saraakiisha shirkadaha Coke cola iy Pepsi, waxayna sheegeen in cabitaankoodu aanu waxba qabin oo la cabi karo, yahayna cabitaan caalami ah oo aan la hayn waxyaabo lagu sumoobi karo.

Hase yeeshee, waxaa joogto noqday wararka aan wanaagsaneyn, ilaa iyo intii shirkadaha waaweyn ee caalmiga ah oo coke cola iyo shirkadaha yar yar ee uu tartanku ka dhexeeyo lagu khasbay in ay wada jir u qaadaan olole ay ku difaacayaan sumacadooda iyo suuqa qeybta ay ku leeyihiin.

Saraakiisha shirkadaha Coke Cola iyo Pepsi ayaa sidoo kale go'aansaday in maxkamadaha hortooda iskaga difaacaan amar ay dowladdu ku mamnuucayso in biyahooda lagu iibiyo boqolaal makhaayadood oo ay leeyihiin wasaarada Gaashaandhiga iyo naadiyo dalka oo dhan ku yaala.
hase ahaatee, maxkamaduhu waxaa laga yaabaa in ay go'aan qaataan oo kaliya ka dib markii ay warbixin ka helaan dowladda oo lagu faafaahinayo waxyaabaha laga helay Coke Cola iyo Pepsi-ga.

Dhowr maalmood uun ka hor ayaa Wasaarada Caafimaadka ee dalka Hindiya waxay u dirtay qaar ka mid ah cabitaanada fudud sheybaadhada dowladda si baadhitaan loogu sameeyo waxyaabaha ku jira cabitaanada.

Waxyaabo kale ayaa todobaadka dabayaaqadiisa ku soo kordhay wararka Coka Kolada ka dib markii maamulka galbeedka gobolka Bengool ay sheegeen in ay ka heleen xaddi faro badan oo dhiiqa ah oo ay ku jiraan curiyeyaasha Lead-ka iyo Cadmium oo ka soo dareerey Warshadaha Kokada iyo Pepsiga lagu iibiyo.

Shirkadaha waaweyn ee Kokada ayaa waxaa laga yaabaa in todobaadka soo socda lala sugayo su'aalo badan oo la xidhiidhaa arrimahan.

Top


“Taariikhda Miilaadigu Lama Socoto Xiliyada Isbedelaya, Waxaana Sax Ah Nayruuska,” Axmed Cige Ducaale – Khabiir Akhriya Xilliyada Dabiiciga Ah

Hargeysa (Haatuf): Intiinii akhrisatay cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gudbinay mawduuc ka hadlaya isbedelka xiliyada dabiiciga ah ee ay dadkeenu dhaqan ahaan ka eegaan ashyaa’da dusheena ah iyo dabeecada inagu xeeran, waxaana arrintaa ka hadlay Axmed Cige Ducaale oo ah khabiir akhriya ama eega xiliyada dabiiciga ah (Natural Time Reader), wuxuuna Axmed sii sheegay inuu nayruusku gelayo habeenkii Arbacada ee xalay, iyada oo uu nayruushku yahay habeenka ay kala wareegayaan labada xili ee xagaaga iyo dayrtu, laakiin Axmed Cige Ducaale oo xalay nagu soo booqday xarunta Wargeyska Haatuf waxa uu sheegay inay run noqotay inuu habeenkii arbacadu noqday habeenkii kala wareega labada xili, wuxuuna yidhi “Nayruushkii wuxuu galay habeenkii Arbacada, waxaana taa cadaynaya isbedelkii hawada ee yimid, waayo waxa go’day dabayl xagaadii, waxaana da’ay roob”.

Axmed waxa uu macneeyey nayruushku waxa uu yahay, wuxuuna yidhi “Waqtigii Jiilaalka ayaa kowsaday, sannadkaasina waa sannadkii Soomal, laakiin taasi maxay macno leedahay ayaa la isweydiin karaa, taasi macnaha ay leedahay waxa weeye nayruushka mooyee ma jirto meel kale oo wax hubaal la idiinka sheegi karo, oo ku saabsan waqtiga ay roobabku da’ayaan iyo waqtiga jiilaalku dhacayaan, balse marka aynu eegno cilmiyada iskuulada lagu dhigo waxay dunidu ogtahay in sata-layt-yada oo TV-yada laga daawado, laakiin kuwaasi Nayruushka lama qiimo aha, markaa Nayruushka ay Soomaalidu ka xidigiso, ee ay godkiisa dayaxa ku garato, taas ayuun baa ka sax ah, wixii kale oo dhami waa ku tiri-ku-teen, aniguna midhkaa ayaan dadka u sheegayaa, gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee xoola dhaqatada ah ama beeralayda ah, ha joogeen Somaliland, Djibouti, Itoobiya iyo Soomaaliya, laakiin waxa nayruushka inala leh qolyo kale oo ay ka mid yihiin Oromada iyo Canfartu, masalan sida uu dadku u kala hooseeyo ee Koonfurta loo kala xigo waxa laga yaabaa inay qoloba maalin bilawdo nayruushka, oo dhawr cisho la kala dambeeyo, laakiin deegaamada geeska Afrika hal maalin ayuu u bilaabmayaa”.

Axmed waxa kale oo uu yidhi “Waxaan dadka u sheegayaa taariikhda milaadiga la yidhaahdaa inaanay la socon ama la shaqayn roobabka iyo dabaylaha, waxaana ka saxsan nayruushka ay Soomaalidu qorto, marka uu xiliga nayruushku bilaabmana waxa laga qiyaasaa geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha buuralayda Somaliland, halkaas oo marka ugu horeysa la arkayo, inay dabayshu xagga badda ka timid oo xiligii isbedelay”.

Top