Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 400 August 19, 2003

“Caalamka Ugama Baahnin Deyn Iyo Gacmo Hoorsi, Waayo…” Madaxweyne Rayaale

Marwadii C/Raxmaan Caydiid Oo C/Laahi Yuusuf Ku Eedaysay Inuu U Maleegay Shirqool Dil Ah

Madaxweyne Rayaale Miyuu Ka Dhega-Adaygay Taladii Dadka, Faallo – Carraale M. Jaamac

“Madaxweynaha Waxaan Ku Idhi; Maxay Wasiiradii La Eryay Wax U Saxeexayaan, Taasi Saw Qayral Sharci Maaha, Laakiin…” Waraysi --- Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ka Amba-Baxay.

Wasiir Ku Xigeenkii Maaliyadda Oo Geeriyooday

Shirka Nairobi: Xaalad Murugsan Oo Hadhaysay Iyo Mawqifyo Is Dar-Jiidhay

Isra’il Oo Ka Caga-Jiidaysa Inay Falastiiniyiinta Dhul Ku Wareejiso

Wadahadallada Colaadda Liberia Oo Yididiilo Ka Muuqato

Maxaa Ku Soo Kordhay Baadhitaanka Geeridii Dr. Kelly

Dawladda Iiraan Oo Isra’il Uga Digtay Inay Weerarto Wershadaheeda Nuclear-Ka

Midowga Yurub Iyo Qorshaha Wadada Isku Xidha Somaliland Iyo Itoobiya

Werwer adduun iyo wacdaro jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 13aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle

RAADYOW MAQALOOCSHE, A.A.Garas

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Golaha Deegaanka Hargeysa Xilkoodii May Garan

WAADIGA CIYAARAHA: Wareysi – Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur): Xidigii Kooxdii Xulka Gobolka Waqooyi-Galbeed U Dhaliyay Goolkii Ay 1984-kii Ku Qaadeen Koobkii Tartankii Gobollada Soomaaliyadii Hore,  Q: 2aad


“Caalamka Ugama Baahnin Deyn Iyo Gacmo Hoorsi, Waayo…” Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti reer Sweden ah oo socdaal ku jooga Somaliland, waxaana weftigaa hogaaminaysa haweenayda la yidhaahdo Britta Sand Strom oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka dalkeeda.

Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris oo warsaxaafadeed soo saaray kulankaa ka dib waxay ujeedada socdaalka weftigani tahay xaqiiqo raadin la xidhiidha meelaha ay inaga caawin karaan iyo mashruuc hadda ka bilaabmi doona magaalada Burco oo ah waxbarashada dadka waaweyn.

Madaxa weftiga Marwo Britta waxay madaxweynaha uga warantay ujeedada socdaalkooda, waxayna sheegtay in waxyaalihii ay Somaliland ku aragtay iyo dalabyadii loo gudbiyey inay gaadhsiin doonto wasiirka arrimaha debadda ee dalkeeda, oo sida ay sheegtay ka warhaya socdaalkeeda Somaliland, iyada oo sheegtay inay aad ugu faraxsanatahay waxyaalihii ay Somaliland ku aragtay.

Madaxweynaha Rayaale wuxuu isna dhiniciisa uga waramay weftiga dhibaatooyinkii uu dalku soo maray iyo sidii ay shacbiga reer Somaliland ugu soo dhabar adaygeen duruufihii soo maray, isla markaana iyaga oo aan caawimo debadeed cidna ka helin hantiyey guul mucjiso ah oo Afrika ka soo dhex baxday, wuxuuna madaxweyne Rayaale tusaale u soo qaatay, sugida nabadgelyada oo uu sheegay inay ciidamadu naftoodu u hureen cago-u dhigideeda. Waxa kale oo uu xusay isbedelkii madaxtinimada oo uu ku tilmaamay inaanu nooceedu hore uga dhicin Afrika iyo waxyaalihii kale ee ay ka mid ahaayeen codeyntii dastuurka, doorashooyinkii kala dambeeyey.

“Caalamka ugama baahnin dayn iyo gacmo hoorsi, maxaa yeelay wadankayagu kheyraadkiisa ayuu ku horumari karaa, ee waxa keliya ee aanu u baahanahay waxa weeye maal-gelintii lagu manaafacaadsan lahaa iyo inaanu helno marinada macaamilka adduunka” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxayna weftigu madaxweynaha ka balan qaadeen inay dalkooda gaadhsiin doonaan xaqiiqda ka jirta Somaliland, kulankaana waxa madaxweynaha ku weheliyey wasiirkiisa arrimaha debadda Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Weftigan oo dalka yimid 14-kii bishan waxay dib u laaban doonaan 25-ka bishan, waxayna inta ay dalka joogaan booqan doonaan Berbera iyo Burco oo ay mashruuc ka furayaan.

Top


Marwadii C/Raxmaan Caydiid Oo C/Laahi Yuusuf Ku Eedaysay Inuu U Maleegay Shirqool Dil Ah

Nairobi (W.wararka) Wararka ka imanaya Nairobi ayaa sheegaya in Wasiiru dowlaha Haweenka & Arrimaha Qoyska ee dowlada wakhtigeedii dhamaaday ee C/qaasim Aamina Axmed Warsame ay Col. Cabdullaahi Yuusuf ku eedeysay isku day dil uu la damacsanaa, kadib markii ay sheegtay in lagu soo weeraray goob ay ku sugneyd. Wasiiru dowlaha oo ka mid ah ergada TNG-da ee shirka ka qeyb galeysa ayaa sheegtay in Col.C/aahi uu u soo adeegsaday dadkii weerarka ku soo qaaday, waxaana loo aaneynayaa isku daygaasi iyadoo wasiiradu ay olole balaadhan ay ugu jirto sidii cadaalada loo hor keeni lahaa Col. Cabdullaahi Yuusuf oo ay ku eedeyneyso inuu ka dambeeyay dilkii loo geystay odaygeedii marxuum Cabdiraxmaan Ceydiid iyadoo u qabatay qareeno ajnabi ah oo diyaariya dacwada la damcsan yahay in lagu soo oogo Col. Cabdullaahi Yuusuf.

Top


Madaxweyne Rayaale Miyuu Ka Dhega-Adaygay Taladii Dadka, Faallo – Carraale M. Jaamac

Guud ahaan-ba nimankii musharaxiinta ahaa ee u tartamayey kursiga madaxtooyada maalmihii ololaha doorashada waxay had iyo goor kor ugu dhawaaqayeen ballan-qaadyo ay leeyihiin hadii aanu doorashada ku guulaysano waxaanu qaban doonaa waxaa iyo waxaa, waxaanu samayn doonaa nidaam qurux badan, waxaanu wax ka qabanaynaa dhibaatooyinka jira iyo waxyaalo la mid ah. Sidaa awgeed ninka ka soo baxa doorashada waxa laga filayey inuu fuliyo ballanqaadyadiisa. Waxayse guushu raacday oo kursigii lagu tartamayey ku guulaystay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, taas awgeedna waxaynu wax yar iska waydiinaynaa ballanqaadyadiisii doorashada ka hor iyo talaabooyinkii uu qaaday markii xilka loo dhaariyey ka dib.

Waxyaalaha oo uu madaxweyne Rayaale ku ballanqaaday doorashada ka hor iyo wax yar ka dib markii xilka loo dhaariyey waxa ka mid ahaa inuu samayn doono hadii uu doorashada ku soo baxo waxa ka mid ahaa inuu dhisi doono Xukuumad tayo leh oo tiro yar, islamarkaana uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka dalka ka jira, sida , Garsoorka, mashaakilaadja maamul, musuq-maasaqa dhaqaalaha ragaadiyay IWM.

Tusaale ahaan madaxweyne Rayaale isaga oo munaasibadii 18-kii May 2003 dadweynaha Hargeysa ku dhaqan kala hadlaya fagaaraha khayriyadda waxa ereyadiisa ka mid ahaa “Waxaan soo dhisayaa xukuumad tayo leh oo tiro yar, cid waliba ay ka dhex-muuqato”. Laakiin waqtigan xaadirka ah su’aasha meesha taal waxay tahay maxaa ilaa hadda ka suurtagalay ballanqaadyadii madaxweyne Rayaale.

Muddo ilaa laba bilood ah ayuu madaxweyne Rayaale la maqnaa dhismaha xukuumaddii uu ku ballanqaaday, waxayna raagista madaxweyne Rayaale la raagay dhismaha xukuumadii laga sugayey keentay inay dadku faaqidaad iyo tafaasiil kala duwan oo ay bixiyeen sababta uu madaxweynuhu ula raagay dhismaha xukuumaddiisa, taas oo ay dadka qaar lahaayeen sida uu dhaqanku yahay waxa uu ka baaraan-degayaa dhismaha xukuumaddii uu ballanqaaday, laakiin waxa iyana jiray tibaaxo sheegayey inuu ku mashquulay kala guridda iyo xal u helidda ballanqaadyadii uu dadkii la jaalka ahaa la galay ayaamihii doorashada, hadii ay xilal tahay iyo hadii ay arin kale tahayba.. Sidoo kale waxa jirtay faaqidaad kale oo iyana lahayd madaxweyne Rayaale maadaama uu yahay nin aan ku doob-dilaacsan xadaafiirta siyaasadda iyo xilka culus ee hogaamineed waxay ku adkaatay sidii uu uga dabaallan lahaa duruuftii iyo culayskii ku xeerayd. Hase yeeshee dadku sida ay doonaan wax ha u faaqideene waxa aakhirkii badka yimi talaabadii la sugayey, ka dib markii uu madaxweyne Rayaale shaaca ka qaaday hormadii u horaysay ee golihiisa wasiirada cusub, wuxuuna wax yar ka dib golaha wakiilada u soo gud-biyey afar ka mid ah wasiirada uu magacaabay si ay u ansixiyaan, laakiin taa waxa diiday mudanayaasha golaha wakiilada, kuwaas oo madaxweyne Rayaale ku xujeeyey inuu soo dhamaystiro golihiisa cusub ee wasiirada, ka dib waxa uu mar kale soo saaray hormadii ugu badnayd ee golihiisa wasiirada, isaga oo marar kale oo kala dambeeyayna marba soo magacaabay koox wasiir ah, ilaa ay tiradu gaadhay konton ku dhawaad xubnood, waxayna xukuumaddaasi noqotay tii ugu tirada badnayd ee Somaliland soo marta muddadii dhawr iyo tobanka sannadood ahayd ee ka dambaysay markii ay madax banaanida la soo noqotay sannadkii 1991-kii.

Marka laga yimaado tirada badan ee golaha wasiirada, waxa kale oo iyana saluug badan laga muujiyey tayada ragga uu u saanyaday xubnaha golaha wasiirada, iyada oo laga filayey inuu dadka horkeeno xukuumad tayadeedu dadka u cuntanto.

Hase yeeshee xukuumadda tirada badan ee uu madaxweyne Rayaale soo dhisay waxay culays ku tahay dhaqaalaha dalka, isla markaana dad badan ayaa ka yididiilo xun sida ay u soo kordhin karto wax qabad lagu diirsado, iyada oo ay waxyaalaha dadku u cuskanayaan rajo xumadooda ka mid tahay, in xukuumadda madaxweyne Rayaale soo dhisay ay saddex meelood oo laba meelood ay tahay rag aanay wejiyadoodu ku cusbayn dadka, oo sannado badan kuraasta soo yuururay, laakiin aan la garanayn waxqabad taariikhdu qortay oo ay soo kordhiyeen.

Golihii tirada badnaa ee uu madaxweyne Rayaale soo dhisay waxa uu soo hortubay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, kuwaas oo mid mid ugu codeeyey, laakiin la hadhay shan xubnood oo ka mid ah, hase yeeshee qiimeynta ay golaha wakiiladu wax kula hadhayeen may ahayn mid ku salaysan shuruudo muuqda oo ay dadku akhriyi karayaan, waxayse u muuqatay inay wax ku kala reebayeen tashi ay isla gaadheen aqlabiyadda golaha wakiiladu, kaas oo intii aanay codeyntu bilaabmin ay hoosta ka soo xariiqdeen liis mucayin ah oo ay doonayeen inay la hadhaan, balse tiradii ay markii hore ku calaamadiyeen inay la hadhaan qaar badan ayaa ka baxsaday.

Marka la isku soo ururiyo madaxweyne Rayaale kama dhabayn balanqaadkiisii ahaa inuu soo dhisayo xukuumad tiro yar oo tayo leh, taas awgeedna balanqaadyadiisii waxaynu ku tilmaami karnaa inaanay ka badnayn beer-laxawsi uu hadafkiisa ku gaadhayo.

Ta kale iyada oo uu golaha xukuumadda madaxweyne Rayaale inta uu doono ka badan yahay xukuumadihii hab beeleedka lagu soo saanayn jiray, ayaa haddana ay cabashada iyo dhawaaqa beeluhu batay, iyada oo ay beelo badani ku sawaxmayaan maanu helin sedkayagii, laakiin in iyada oo ay doorashooyin axsaabta badan ahi dalka ka dhaceen dadka ku cabanaya haddii aanu beel hebla nahay xaq baa naga maqan, waxa la odhan karaa inaanay daw ahayn inay beelnimo wax ku doonaan maadaama tartan axsaabeed madaxtinimada dalka lagu kala helay, balse dadka caynkaa leh laftoodu uma xujo la’a waxa ay ku doodayaan, waxayna marka taa la weydiiyo ku jawaabaan “Haddii xukuumad tiro yar oo tayo leh la soo dhisi lahaa, xataa haddii aanaan ka muuqan waanu ku qanci lahayn oo kamaanu hadalneen”, isla markaana waxay dadku leeyihiin hab-dhaqanka uu madaxweyne Rayaale u magacaabo ama isugu bedelo golihiisa wasiirada, waxa uu mar walba sawirkeedu ku salaysan yahay saami raac beeleed, mar haddii ay sidaa tahayna waxay dadka qaar leeyihiin ma jiraan wax naga maanacaya inaan saamigii beeshayada doono.

Ta kale waxay xisbiyada kale ee siyaasada iyo dad badan oo wax garad ah, oo ay xataa ku jiraan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha xisbigiisa ku cawdaan inaanu dheg jalaq u siin talooyin badan oo ay ka siiyeen dhismaha xukuumadda cusub ee dalka hogaamin doonta shanta sannadood ee soo socda, sidaa awgeed waxay dad badani leeyihiin madaxweyne Rayaale wuxuu u muuqdaa nin iska ilaaway balanqaadyadiisii hore, isla markaana dhegaha ka furaystay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee la siiyey.

Top


“Madaxweynaha Waxaan Ku Idhi; Maxay Wasiiradii La Eryay Wax U Saxeexayaan, Taasi Saw Qayral Sharci Maaha, Laakiin…” Waraysi --- Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ka Amba-Baxay.

“Waar Dawlad Aynu Isku Hallaynaa Inooma Maqnee Aynu Nabadgelyadeena Iyo Dalkeena Ilaashano.”

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay dalka debadda uga dhoofay, isaga oo sheegay inuu socdaal ku mari doono dalal badan oo dunida ah, gaar ahaan dalalka reer galbeedka, laakiin Axmed Siilaanyo wareysi uu saxaafadda ku siiyey qolka nasashada ee madaarka Hargeysa waxa uu ku sheegay inaan maqnaanayn muddo dheer ee uu dhakhso u soo noqonayo, isla markaana waxa uu waraysigaa kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo farta sharax ka bixiyey mawqifka xisbigiisa ee ku waajahan xaaladda dalka.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa sii dhaweeyey dad fara badan oo isugu jira taageerayaasha iyo madaxda xisbigiisa oo ay ka dhex muuqdaan labada gudoomiye ku xigeen ee xisbiga Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo Marwo Siraad Cali Yuusuf iyo C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo ah musharaxii madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE iyo xubno kale oo muhiim ah, waxaana Axmed Siilaanyo gurigiisa ka sii daadihiyey kolonyo baabuur ah oo gaadhsiiyey ilaa madaarka, isla markaana waxa ilaa intii uu dhoofayey gudaha iyo duleedka madaarka hoganayey dad fara badan oo ka mid ah dadkii sii dhaweynayey.

Axmed Siilaanyo waxyaalaha uu ka hadlay waxa ka mid ahaa xukuumada madaxweyne Rayaale, xaalada bariga Somaliland, kulan dhawaan dhexmaray isaga (Siilaanyo), Faysal Cali Waraabe (Gudoomiyaha UCID) iyo madaxweyne Rayaale, laakiin ugu horeyn isaga oo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa debadeed waxa uu yidhi, “Meelo ay ka mid yihiin dalalka Yurub ayaan tegayaa, safakayguna waa mid aan ugu baxayo hawlo qaran iyo hawlo xisbi iyo mid shakhsiya intaba, kumana talo jiro inaan muddo dheer maqnaado haddii Eebbe idmo, waxaanan is-leeyahay inta aanay bilaabmin ololaha doorashooyinka baarlamaanka aad hawlahaa soo dhamaysatid. Sida la ogyahay xisbiga KULMIYE waxa uu debadaha ku leeyahay laamo fara badan iyo taageerayaal aad u fara badan, dadka dalka debadiisa ku noolina aad bay wax noo tareen, markaa waxaa doonayaa inaan dadka taageerayaashayada ah ee debadaha ku dhaqan iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland ee debadaha ku nool inaanu soo aragno, anaga oo qadiyadda Somaliland iyo ta xisbiga ee gaarka ah aanu is-leenahay wixii aad ka soo qaban kartaan ka soo qabta”.

S: Hawlaha xisbigaaga la garay, laakiin hawlaha qaran ee aad sheegtay inaad meelahaa u tegayso maxaad ula jeedaa?

J: Hawlaha qaran waxaan ula jeedaa meesha aanu tagnaba ummadda reer Somaliland baanu u joognaa, markaa dadka aanu meelahaa ugu tagayno waanu uga waramaynaa xaaladda dalka, waananu ku guubaabinaynaa inay wax u qabtaan. Waxa kale oo jirta maadaama aanu dhul ajanabi tegayno waxa jooga dawlado, waxa jooga axsaab, waxa kale oo jooga dad badan oo daneeya qadiyadda Somaliland, kuwaasna ciddii ay awoodu nagu simi karto iyo ciddii aanu gaadhi karayno waanu kala hadlaynaa qadiyadda ummadda.

S: Dhawaan saddexdiina xisbi waxaad la kulanteen madaxweynaha, taas oo la sheegay inaad is- afgaranwaa ku kala tagteen, taasi ma jirtaa?

J:Horta arrintaa sidaa u dhigi maayo, balse way jirtaa wada hadalo muddo dheer soo socday ilaa intii doorashooyinka ka dambaysayna muddo dheer baanu wada hadalnay saddexdayada xisbi, dhinaca UDUB-na madaxweyne ku xigeenka iyo rag uu ku jiro ayaa uga wakiil ahaa, wada-hadaladaasna waatii baaq is-afgarad ahi ka soo baxay. Anigu waxaan isleeyahay wada-hadaladaasi wax ku ool bay ahaayeen haddii wixii lagu heshiiyey la fulinayo. Laakiin laba sadex casho ka hor aniga iyo Faysal Cali Waraabe waxaanu la kulanay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo ah gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka UDUB, waxaananu kala hadlaynay heshiisyada la gaadhay sidii loo hirgelin lahaa ee aanay u noqon wax halkooda ku bakhtiya, taas oo maadaama aan tagayey aan jeclaa inaanu war ku kala tagno xukuumadda iyo UDUB intaba. Wada-hadaladaasna runtii waxooga asaraar ahi na dhex mar, balse xumaan kumaanu kala tegin, anagu waxaanu jeclaysanay inaanu ku kala tagno wax cad oo lagu dhaqaaqo oo ah arrimhii la xidhiidhay doorashada baarlamaanka iyo goorta la qabanayo iyo qaabka ay axsaabtu u wada shaqayn karto iyo arrimaha bari wixii laga yeelayo iyo wargelin aanu doonaynay inuu naga siiyo safarkii uu Itoobiya ku tagey, oo aanu is-nidhi intii jaraa’idka ku soo baxday idinkuma filna, markaa aan hadalkayga ku soo koobo wixii aanu is-odhanaynay waanu is-nidhi.

S: Arrinta bariga Somaliland ee aad afka ku dhufatay, waraysi uu madaxweynuhu nagu siiyey halkan (qolka nasashada madaarka), su’aal aanu ka weydiinay xaalada bariga wuxuu ku tilmaamay inay arrintaasi tahay mid yar (minor), markaa haddii aad isla soo qaadeen madaxweynaha arrinta bariga maxaad iska tidhaahdeen, idinkuse xisbi ahaan sideed u aragtaan qadiyadda bariga?

J: Wixii jaraa’idka ku qornaa waanu aragnay, runtiina madaxweynaha waanu ku qabsanay hadalkaa oo waxaanu nidhi ereygaasi ma kaa soo baxay, waayo haddii uu ereygaasi ka soo baxay waa erey aad iyo aad u xun, waxaanuna filaynay markii aad Itoobiya tagtay arrinka ugu weyn ee aad kala hadlaysaa inuu yahay fara-gelinta C/laahi Yuusuf inagu hayo iyo dhibaatooyinka bariga, balse haddii aad taa jawaabta aad ka bixisay taa tahay waa ayaan darro weyn, waxayna noogu muuqataa arrinta barigu culayska ay leedahay inaadan muhiimad siinayn, haddii ay ula kac kaa tahay iyo haddii ay wax kale kaa tahayba, arrimahaasna dood kulul baanu iska weydaarsanay, waxaanuse markii dambe isla meel dhignay in arrimahaa loo saaro guddi qaran oo ay axsaabta, golayaasha iyo cid waliba ku jirto, oo arrimahaa sida ugu haboon xal loogu raadiyo, qaran ahaana meel la iska wada taago.

S: Marka aad is bar bar dhigto imaatinkaagii hore ee London ka timid iyo tegistaada maanta sidee baad u aragtaa dareenkaaga maanta iyo kii maalintaa?

J: Faraq weyn baa dareenkayga u dhaxeeya maanta iyo maalintaa, caam ahaan maanta dalkeenu ummad ahaan meel wanaagsan buu marayaa, waxaadna moodaa in shacbigu guda iyo debad meel kasta ha joogee yididiiladoodu weyntahay, oo jecelyihiin inay u shaqeeyaan dalkooda oo ay nabadgelyadiisa iyo wada jirkiisa ka shaqeeyaan, ta kale wax kasta ha ahaadeen’e doorashooyin baynu soo galnay, waxayna shacbigu muujiyeen dedaal fara badan iyo niyad-sami ay ku doonayaan inay waxooda hantaan, laakiin waynu ognahay oo arrimo badan oo wagash-wagash ahina way dhaceen, imikana waxaan aaminsanahay dawladdu inay tahay dawlad jilicsan oo aan xilkeeda ka soo bixi karin, laakiin waxaan ku kalsoonahay shacbiweynaha Somaliland inuu aayihiisa iyo dantiisa ilaashanayo, marwalbana dalka waxa ilaashan jiray dadkiisa, run ahaantiina dawladdii dalka hanan lahayd ee aynu filaynay ma muuqato, sidaa darteed dadka waxaan ku guubaabin lahaa waar bahasha dawlad la isku haleeyaa inooma maqnee ee aynu dalka nabadgelyadiisa iyo jiritaankiisa ilaashano. Masalan berrigii doorashada aniga oo la hadlay dadweynaha reer Ceerigaabo dadku way nala yaabeen oo waxay na yidhaahdeen goormaanu dawlad aragnay, awelba anagaa nabadgelyada ilaashanaynee, markaa waxaan leeyahay sidii aynu awelba u ilaashanaynay aynu u ilaashano nabadgelyadeena iyo dalkeena.

S: Madaxweynaha ma kala hadasheen dawladdan faraha badan iyo kontan wasiir ee uu magacaabay?

J: Waanu kala hadalnay oo waliba waxaanu ku nidhi miyaad canaad-tantaa marka wax lagu soo jeediyo, waayo dimuqraadiyadu waxa weeye, marka arrin axsaabtu soo jeediso ama ummaddu ka hadasho ee ay dareenkooda ka muujiyaan inaanay waxaasi wax hagaagsan ahayn, markaa madaxweynaha waxa laga filayay inuu dareenkaa jawaab ka bixiyo, balse arrintaa markii aanu kala hadalnay jawaab kama uu bixin oo wuxuu yidhi anagu sidaa uma aragno. Waxa kale oo aanu ku nidhi wasiiradan tirada badan ee aad magacawday bal iska dhaaf intooda kale oo kuwii la eryey ee baarlamaanku diiday maxaad weli meesha ugu haysaa, ee ay weli wax u saxeexayaan sowdiga yidhaahda awooda dastuurkaa I siiyey, markaa waxaanu nidhi dastuurku intuu ku siiyeyna qaao inta uu kaa mamnuucayna ka joog, maxay wasiiradii la eryey meesha u sii fadhiyaan ee wax u saxeexayaan, taasi waa qayra sharci oo waa qayra dastuuri, ummaddana way u muuqataa.

S: Safarkaagan debadda Ma la odhan karaa waxaad u soo xamaam urursanaysaa doorashooyinka dambe?

J:Doorashooyinka haddii aanu halkan joognana waanu u tabaabushaysanaynaa, xisbiga iyo taageerayaashiisuna meel kasta oo ay joogaan doorashooyinka way u diyaar garoobayaan, markaa guubaabo iyo xamaam urursi intaba way jirtaa, laakiin safarkaygu intaas oo qudha kuma koobna, waayo waxaanu isu aragnaa inaanu nahay masuuliyiin waaweyn oo qaranka ka tirsan, markaa wixii danaha qaranka ah iyo wixii kuwa xisbiga ah waanu ka hawlgelaynaa.

S: Waxa jiray heshiis ay xukuumadda Somaliland iyo xukuumada Ingiriisku wada galeen oo dhigaya in qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee Ingiriiska jooga la soo mastaafuriyo, iyada oo la sheegay in xataa xoog lagu soo saarayo, taa ma kala hadlaysaa?

J: Horta taa hore waanagii wixii aanu ka odhan lahayn uga nidhi, dalkana waxa aad wax ugu tara dadka debadaha ku maqan, waynuna ognahay doorka ay dadka debaduhu ka ciyaaraan dhismaha iyo horumarinta dalka, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay Ictiraaf doon tahay iyo wax kasta, shacbiga Somaliland-na maanta aad iyo aad buu ugu tiirsan yahay dadka debadaha, markaa dadkaa in la dhawraa meesha way ku jirtay. Dalka Somaliland-na ilaa wakhtigii aan dawladda ku jiray iyo ilaa ka hor waan ogaa siyaasaduna mid bay ahayd, waxayna ahayd ilaa inta Somaliland dawladdo Ictiraafayaan maaha in dadka khasab lagu soo celiyo, ta kale waxa shardi laga dhigaa horta dadka meeshii lagu soo celin lahaa waa in la abuuro, isla markaana qofkii iskii u soo noqonaya dhulkiisa looma diidi karo, laakiin wax jujuub lagu soo celiyo ma raacsanin, dawladna marka heshiis lala gelayo waxa heshiis gala dawlado siman, balse mar haddii aan dawladda Somaliland cidiba ictiraafin maxaad heshiis ugula gelaysaa waa arrin meesha imanaysa.

Top


Wasiir Ku Xigeenkii Maaliyadda Oo Geeriyooday

Hargeysa (Haatuf): Alla ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii maaliyadda Cabdi Cali Mahdi ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaana aaskiisa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, masuuliyiinta ee dawladda iyo kumanaan dadweyne ah.

Marxuumka waxa la sheega inuu u geeriyooday sabab la xidhiidha xanuunka dhiig-karka la yidhaahdo, oo uu hore u lahaa, balse si xoog leh u qabtay.

Marxuum Cabdi Cali Mahdi waxa uu dawladda Somaliland ka soo qabtay xilal kala duwan, isaga oo mar ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana waxa uu ka mid ahaan jiray saraakiishii sar-sare ee ururka SNM, waxaanuna marxuumkaa illaahay uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisa, ehliyadiisa iyo dhamaan ummadda reer Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin, amiin.

Top


Shirka Nairobi: Xaalad Murugsan Oo Hadhaysay Iyo Mawqifyo Is Dar-Jiidhay

Nairobi (W.wararka) banaanbax balaadhan oo ka dhan ah dawladaha Talyaaniga, masar iyo Djibouti ayaa maalintii shalay ka dhacay Nairobi.

Mudaharaadkan oo markii hore la qoesheeyey in la qabto maalintii Sabtidii waxa uu dib ugu dhacay iyadoo la sheegay inay dawlada kiiniya diiday in mudaharaadkaa la qabto maadaama la damacsanaa in lagu gubo calamada dalalkaasi oo ay kiiniya saaxiibo yihiin.mudaharaadkan oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen ururada bulshada rayidka ah oo uu horkacayo Shariif saalax waxa sabablooga dhigay dawladahaasi oo ay ku eedaynayaan inay sababu ahaayeen hakasho shiorka ku timid maalmahan.

Inkastoo xubno ka mid ah SRRC-da ay ku hanjabeen in ay shirka ka baxayaan haddii aan maalinta Isniinta dib loo furin shirka , ayaa hadana wararka ka imanaya madasha shirka ee Mbagathi sheegayaan inaan shalay wax shir ah la isugu imanin. Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay cadaadis ba'an ku saarayso kooxda SRRC sidii ay u hirgeli lahayd in shirku si dhaqsa ah u furmo, oo aan loo hakin dad ka maqan shirka dartood. Dhinaca kale beesha caalamka iyo dawladaha loo yaqaan safka hore ee kala ah Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa kulan isugu yimid shalay, kaasoo sida la sheegay ay kaga wada hadlayeen sidii shirka loo badbaadin lahaa. Wararku waxay intaas ku darayaan in Dawladda Talyaaniga, Masar iyo dawladda Maraykanka oo mowqifkooda ayidsan in ay ku doodayaan in ayna marna taageeri doonin in shirku sii socdo iyadoo ay ka maqan yihiin xubno muhiim ah oo saamayn ku leh dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa ka soo baxay kulankaasi ay yeesheen beesha caalamka iyo dawladaha safka hore.

Warar xog ogaal ah oo laga helay ilo ku dhow dhow Beesha Caalamka ayaa sheegaya, in xubnaha beesha caalamka oo ay hor kacayaan dawladaha Talyaaniga iyo Masar taageerana ka haysta dawladda Maraykanka ay shuruud ku xidheen taageeridda shirka Mbagathi. Shuruudahan ayaa la sheegay in ay ugu muhiimsan yihiin laba qodob oo kala ah:

Qodobka koowaad: ayaa ah in shirku uu noqdo mid loo dhan yahay (inclusive), kaasoo ay ka soo wada qayb galaan dhammaan kooxaha siyaasadda Soomaaliya, iyagoo sheegay in haddii arrinku uuna sidaas noqon ay dhici doonto in Soomaaliya ay yeelato laba dowladood taasoo keeni karta colaad hor leh. Beesha Caalamkuna diyaar uma aha hurin colaad hor leh.

Qodobka labaad: ayaa ah in si shirku sharciyad sax u yeesho ay odayaasha dhaqanku xulaan xubnaha baarlamaanka, beesha caalamku waxey ku adkeysteen in ayna marna aqbali doonin xildhabaanno aan haysanin sharciyadda odayaal dhaqameedka.

Dhinaca kale, dawlada Itoobiya ayaa iyaduna dadaal xoog leh ugu jirta sidii uu shirku dib ugu furmi lahaa, inkastoo ay beesha caalamku u sheegeen gudiga farsamada in iyagu bixiyaan kharashka shirka iyo mushaharka gudiga Farsamada IGAD, sidaas darteedna ayna jirin sabab loo deg degaa mar haddii aan shirka loo dhamayn
Dhinaca kale Kulan ay yeesheen maalinnimadii shalay golaha baarlamaanka ee waqtigiisu dhammaaday ee Carta, ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagaga jawaabayey farriintii uu siday safiirka Kenya u soo magacawday Soomaaliya, oo dhawaantan booqasho ku yimid Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, si loogu qanciyo hogaamiyayaasha ka soo baxay shirka inay dib ugu laabtaan. War murtiyeedkan oo ka koobnaa ilaa 9 qodob ayaa waxa ay dhammaantood muujinayaa, amaba ay u eg yihiin shuruudo adag oo lagu xidhayo ka qayb qaadashada DKMGA ah ee shirka, waxa ayna kala ahaayeen:

1- In maamulka iyo hogaanka shirka ay yeeshaan Soomaalidu, guddiga farsamada IGAD iyo beesha caalamkuna yeeshaan fududaynta iyo tas-hiilaadka shirka, waxa lagama maarmaan ah in dib loogu noqdo qaabka loo soo xulay xubnaha ka qayb gelaya fadhiga guud ee ergada (Plenary), maxaa yeelay waxa ku jira dad aan la garanayn cidda ay matalayaan taas oo caddaalada ka fog waa sida war murtiyeedka lagu xusay.

3- In Cabdalla Deerow iyo Xassan Abshir oo laga xayuubiyay xilalkii ay dawladda ka hayeen aan loo ogalaanin in ay magaca dawladda shirka ku galaan ama ku joogaan, magaca dawladda shirka waxa ku joogi doona ergada dawladdu u magacaabi doonto shirka.

4- Iyadoo la tixgelinayo waayo aragnimadii laga helay muddadii 9ka bilood ahayd ee shirku socday, waxa cadaatay in shakhsiyaad ka tirsan guddiga farsamada ay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, sidaa darteed waa in laga joojiyaa shaqada u qaybsanaha dawlada Kenya ee shirka Pathwel Kibligat iyo u qaybsanaha Itoobiya ee arrimaha shirka C/casiis waa sida war murtiyeedka loo dhigaye.

5- Nidaamka fedaraaliga ah mabda' ahaan madiidana dawlada kmg ah, hase yeeshee waa in loo daayaa hir gelintiisa dawlada la dhisi doono iyo rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed ee xaqa u leh in ay afti ka dhiibtaan arrintaas.

6- In aan axdiga dkmg ah ee hadda la wado haba yaraatee lagu qorin wax muujinaya aqoonsi dawlado, maamul gobaleedyo, iyo deegaanno xor ah oo hadda jira, waxa kaliya oo la aqbali karana waa in Soomaaliya ka kooban tahay 18 gobol.

7- Arrinta ku saabsan soo xulidda xildhibaannada dawlada kmg ah ee la dhisi doono waa in awood buuxda u yeeshaan hogaamiyayaasha beelaha ama hogaamiyayaasha dhaqanka, iyagoo la tashanaya siyaasiyiinta beelaha.
8- In shirku noqdo mid loo dhan yahay oo ayna cidi ka maqnayn lana soo celiyaa kooxihii ka baxay si natiijada shirku u noqoto mid meel mari karta oo ummadda Soomaaliyeed u cuntanta.

9- Qodabbada kor ku xusnaa ka sokow, waxa jira daldaloolooyin fara badan oo ka muuqda guud ahaan qodabbada uu ka kooban yahay axdiga cusub ee dawlada la dhisi doono ay ku dhaqmi doonto, sanadaha soo socda. waxaana u aragnaa in uu u baahanyahay saxitaan iyo wax ka qabad dhab ah sidaa darteed waxaanu soo jeedinaynaa una araganaa lagama maarmaan, in loo saaro guddi aqoonyahano ah oo Soomaaliyeed oo sharciyaqaanna oo baylahtira.

Haddaba war murtiyeedkan laga soo saaray qaabka ay dawlada C/qaasim uga qayb geli karto shirka oo ka koobnaa sagaalkan qodob waxa soo diyaariyay guddi loo saaray maalinnimadii sabtidii oo 6 xubnood ka koobnaa waxa ayna kala ahaayeen:

1-Xildhibaan Xasan Axmad Saddiiq
2- Xildhibaan Xasan Dhinbiil Warsame
3- Xildhibaan Xasan Shiikh Ibraahim
4- Xildhibaan Dr Ibraahim Shiikh Maxamad (Dasuuqi)
5- Xildhibaan Caydiid Xaaji Maxammad Cismaan
6- Xildhibaan Rooble

Top


Isra’il Oo Ka Caga-Jiidaysa Inay Falastiiniyiinta Dhul Ku Wareejiso

Qudus (W.wararka) Saraakiisha Falastiin iyo kuwa Israa'iil ayaa sheegey in wadahadaladii looga dan lahaa in lagu soo afjaro qorshihii magaalooyinka qaar Falstiin loogu wareejinayey ayna weli dhammaanin.

Ka dib markii la soo maray todobaad ay dhacayeen laba qarax oo ismiidaamin ah oo ay qaadeen niman Falstiiniyiin ah iyo Israa'iil oo dishey nin ka mid ah dagaalyahanada Falastiin ayaa labada dhinac waxa ay balanqaadeen in ay sii xoojiyaan qorshihii nabadda ee caalamiga ahaa ee xariiqaya wadada loo marayo nabadda. Waxa soo baxaya in ay Israa'iil maalmahan dambe isku diyaarineysey in ay Falastiin ku wareejiso magaalooyinka Jericho iyo Qalqiya dhawaan iyadoo taasi ay ku xidhantahay in degenaanshaha haatan jira uu sii socdo. Laakiin markii ay labada dhinac ay yeesheen shir socdey ilaa saqdii dhexe ee habeenkii Axadda, waxa soo baxaya in ay weli jiraan farqiyo waa weyn oo labada dhinac u dhaxeeya. Afhayeen u hadley Falastiiniyiinta ayaa sheegey in arinta la isku mari waayey ee mashaakilka keentey ay tahay iyadoo Israa'iil ay ku adkeysatey in ayna magaalooyinkaasi ka qaadeynin jid gooyooyin ay halkaas ku sameysatey. Laakiin saraakiisha Israa'iil waxa ay sheegeey in qodobada muranka dhaliyey ay ugu horeyso sida loola tacaalayo dagaalyahanada Falstiiniyiinta ee ku jira dadka Israa'iil ay baadi goobeyso. Runtuna waxa ay tahay in tallaabo kasta oo labada dhinac ay isla qaadeen oo loo marayo qorshaha wadada nabadda si xun loogu dagaalamey. Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiintuba wey ogyihiin khatarta ka taagan in rabshado ay soo noqdaan, haddii wadahadalada diblomaasiyaddu ay beerka dhulka ku dhuftaan ooy horumar sameyn waayaan. Laakiin labada dhinac mid kasta waxa uu wakhtigan xaadirka ah ka cabsanayaa in uu sameeyo tanaasulaad cad ah oo weyn.

Top


Wadahadallada Colaadda Liberia Oo Yididiilo Ka Muuqato

Monrovia (W.wararka) Is Afgarad ayaa lasheegay in laga yeeshey wadahadaladii Liberia, ka dib markii kooxda ugu xoogga weyn Jabhadaha Mucaaradku ay cadeysey in ayna ku adkeysan doonin dalabkeedii ahaa in la siiyo jagada Madaxweyne ku-xigeenka.

Wadahadalada Liberia oo muddo bilo ah ka socdeen waddanka Ghana, waxaana tanaasulaadkii la isweydaarsadey ku guuleystey Jabhadaha, ka dib markii uu Madaxweyne Charles Taylor uu waddanka iskaga baxay. Ciidamo nabad ilaalin ah oo caalamiya ayaa soo gaadhey Liberia oo haatan ilaaliya waddooyinka Monrovia.

Laakiin aakhirataankii waxa yimid in dulqaadkii dhexdhexaadiyaasha caalamigu uu dhamaado oo ay Jabhadaha u sheegaan in la gaadhey wakhtigii ay iyaguna tanaasulaad sameyn lahaayeen.

Sidaas ayeey kooxda ugu weyn Jabhadaha ee Lurd ay dib ugu guratey oo ay u ogolaatey in ay ka noqoto dalabkeedii ahaa in la siiyo jagada Madaxweyne Ku-xigeenimada.

Jabhaduhu waxa ay ka mid noqon doonaan dowladda ku-meel gaadhka ah ee waddanka ku simeysa in la qabto doorshooyin guud, laba sano ka dib. Laakiin Jabhaduhu kuma doodi karaan in ay u soo dagaalameen awoodda siyaasadeed ee la siiyey.

Dhinaca kale, wararka ka soo baxaya wadahadalada Ghana ka socda ayaa muujinaya in ay u muuqato saraakiisha mataleysa dowladda Liberia iyo kooxaha wadahadalada uga qeybgalaya Jabhadahu in ay diyaar u yihiin in ay wada saxeexaan heshiis xukun qeybsi ah.

Mudadii labada bilood iyo badhka ahayd ee wadahadaladu socdeen, ma aha markii ugu horeysey ee wada xaajoodku uu soo gaadho heerka uu hada marayo, laakiin arinta weyn ee markan soo korodhey waxa ay tahay iyadoo jabahadaha Liberia midda ugu weyn ee Liberians United Reconciliation and Democracy (LURD) ay haatan ka tanaasushey dalabkeedii ahaa in jago sare laga siiyo dowladda Ku-meel gaadhka ah ee la dhisi doono.

Jabhadaha waxa caddaadis badan uu kaga yimid dhexdhexaadiyayaasha ku jira nabadeynta Liberia oo ku hanjabey in wadaxaajoodka la joojin doono haddii aan arimaha la isku heysto aan horumar laga gaadhin.

Hey'adaha gargaarku waxa ay soo dhaweeyeen heshiis ay labada dhinac ee Liberia isku haya ay wada saxeexeen, kaas oo laga bilaabo salaasadii ina soo dhaaftey hey'adaha samafalka u fasaxaya in ay u kala gooshi karaan dhammaan qeybaha waddanku ka kooban yahay.

Magaalada Manroviana, ciidamadii nabad ilaalinta ee halkaas joogey waxa lagu soo xoojiyey qeyb labaad oo iyaguna ka socda Nigeria, kuwaas oo ballaadhiyey dhulkii ay ka talinayeen.

Jabhadaha oo todobaadkii hore ka baxay magaalada waxa ay u muuqdaan in ay la shaqenayaan ciidamada nabad ilaalinta, laakiin weli magaalada aad ugamay fogaan oo may gaadhin halkii lagu heshiiyey in ay ku ekaadaan.

Weli xiisado ayaa ka jira meelo badan oo waddanka ka tirsan, gaar ahaan agagaarka magaalada labaad ee waddanka Liberia ugu weyn ee Buchanan oo weli ay gacanta ku hayaan jabhadda MODEL oo ah tan labaad ee ugu weyn jabahadaha Liberia.

Top


Sawir Qaade Ka Tirsan Reuters Oo Maraykanku Ku Dilay Ciraaq

Baqdaad (W.wararka) Wasaarada Difaaca maraykanka ee Pentagonka ayaa xaqiijisey in ciidamada Mareykanka ee jooga Ciraaq ay toogasho ku dileen nin sawirqaade u ahaa wakaaldda wararka ee Reutetrs.

Sawirqaadaha dhintey oo magaciisu la odhan jirey Mazen Dana una dhalashay Falastiin, waxa ay Reuters ku sifeysey in uu ka mid ahaa shaqaalaheeda ugu wanaagsan. Waxa sawirqaadahaasi uu halkaas u tegey in uu fulin ka soo duubo xabsi ku yaaley galbeedka magaalada Baqdaad.
Sawirkii ugu dambeeyey ee uu qaadey waxa uu muujinayaa Taangiyo Mareykanku leeyahay oo dhankiisa u soo socdey, isagoo joogey darbi ku yaalla xabsiga bannaankiisa.

Dhowr xabadood ayaa Taangiga lagaga soo ridey, ka dibna Kaamaradii uu sitay ayaa dhulka ku dhacdey. Pentagonku islamarkiiba hadal ayuu soo saarey uu ku qirayo in ninka sawiraqaadaha ay xabado ku fureen ciidamada isbaheysigu.

Afhayeenku waxa uu sheegey in askartu ay Sawirka uu ninku watey ku khaldeen oo ay u qaateen in uu wato qalab saaruukh lagu gano. Mr Dana waxa loo qaadey Cisbitaal Mareykanku leeyahay, laakiin waxa uu naf baxay markii Cisbitaalka la geeyey.

Dhimashada Mr Dana waxa ay ka dhigeysaa 19 tirada suxufiyiinta ama kaaliyayaashooda ee ku dhitney dagaalada ama la waayey intii uu bilaabmay ololihii lagaga takhalusey Saddam Xussein.

Dhinaca kale lix maxaabiis ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa dhintey, 59 kalena wey dhaawacmeen, ka dib markii madfac ku habsadey xabsi ay ku jireen oo ku yaala duleedka magaalada Baqdaad.

Sida laga soo xigtey ciidamada Mareykanka, saddex madfac ayaa habeenkii Sabtida ku dhacay barta uu ku yaal xabsigaasi. Saddex ka mid ah maxaabiistii halkaas lagu hayey ayaa islamarkiiba dhimatey, saddex kalena Cisbitaalka ayey ku naf baxeen, halka ay konton iyo sagaalna ay ku dhaawacmeen.

Maxaabiista sida daran dhaawacu u soo gaadhay waxa loo qaadey cisbitaal ay Mareykanku leeyihiin. Xabsigaas oo la yidhaa Abu Ghraib waxa uu ka mid yahay xabsiyada ugu waa weyn Ciraaq.

Markii uu Saddam joogey, xabsigaas waxa lagu xidhi jirey maxaabiista loo heysto arimaha la xidhiidha siyaasadda, waxaana uu caan ku ahaa in dadka la geeyo xabsigaas lagu jidh dilo.

Inta Mareykanku maamulayey, waxa xabsigaasi uu hooy u ahaa maxaabiis ku dhow 500 oo ruux oo teendhooyin dhex degan iyadoo halkaas loogu sameeyo dhaqan celin. Maxaabiistaasi waxa ay ahaayeen kuwa u xidhan dambiyo ay ka mid yihiin bililiqo iyo waxyaabo kale.

Inkastoo ciidamada Mareykanku ay maalin walba la kulmaan weeraro kaga imanaya taageerayaasha Saddam Hussein, haddana ma kala cadda cidda weerarkan madfaca ah ka dambeysey.

Top


Maxaa Ku Soo Kordhay Baadhitaanka Geeridii Dr. Kelly

London (W.wararka) Doorkii ay dowladda Britian ku laheyd in la sheego magaca Dr. David Kelly ayaa laga yaabaa in si weyn wax la isaga weydiiyo, iyadoo mid ka mid ah la taliyeyaasha Ra'iisal Wasaare, Tony Blair ay wareysan doonaan gudiga loo saaray in ay baadhaan sababaha dhaliyay dhimashada khabiirkii hubka ee Britian, Dr. David Kelly.

Qofka ugu horeeyay ee hor iman doona gudiga baadhitaanka ee uu horkacayo Hutton, waxaa weeye madaxa afhayeenada wasaarada Gaashaandhiga ee Britain, oo ah haweyneyda la yidhaahdo Pam Teare.

Gudigu waxay doonayaan in ay ogaadaan sababta ay hawaaneydaasi ugu xaqiijisay suxufiyiinta magaca Dr. Kelly, markii ay baadhayeen ilaha ay BBCdu ka heshay war lagu sheegay in dowladdu ay buunbuunisay warbixin la xidhiidhay awooda xagga hubka ee Ciraaq sida uu sheegay wariyaha arrimaha siyaasada ee BBCda, Shaun Ley.

Waxaa sidoo kale gudiga hor iman doona oo wax la weydiinayaa dad ku dhow dhow Ra'iisal Wasaare Blair oo ay ka mid yihiin madaxa abaanduuleyaasha, Jonathan Powell iyo David Manning iyo la taliyaha Ra'iisal Wasaaraha ee Arrimaha Dibadda. Hase yeeshee, hor imaashaha uu maanta hor imanayo madaxa warfaafinta ee Ra'iisal Wasaaraha, Alastair Campbell gudiga xogbaadhka, ayaa aad waxaa u daneynaya Lord Hutton oo madax ka ah gudigan, waxuuna doonayaa in uu isaga ka ogaado doorkii uu ku lahaa sida loo isticmaalay xogta la xidhiidhay khatarta hubka Ciraaq. Gudigani waxaa uu baadhayaa in cadaadiska Dr. Kelly kaga yimid magaciisa la shaaciyay in ay qeyb ku laheyd go'aanka uu isku dilay iyo in kale.

Bishii hore ayaa waxaa meydka Dr. Kelly laga helay meel duur ah, dhowr maalmood uun ka dib markii ay wareysi la yeesheen gudi uu baarlamaanku u saarey arrimaha Ciraaq.

Waxaa la filayaa in Mr. Campbell in uu mar kale ku celiyo in uuna lug ku lahayn in Dr. Kelly magaciisa la shaaciyay. Hase yeeshee, David Davis oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya ee xisbiga Conservitive-ka ayaa waxaa uu sheegay in Mr. Campbell uu wali arrintani ka baxsan karayo.

Markhaatiyo todobaadkii hore laga horjeediyay gudiga baadhitaanka ee Lord Hutton ayaa keenay su'aalo muhiim ah oo la xidhiidha doorka Mr. Campbell uu ku lahaa diyaarinta warbixintii arrimaha hubka ee Ciraaq ee bishii Septerber ee hore la diyaariye.

Top


Dawladda Iiraan Oo Isra’il Uga Digtay Inay Weerarto Wershadaheeda Nuclear-Ka

Tihran (W.wararka) Dawladda Iiraan ayaa uga digtay Israa’iil cawaaqib xumada ka iman karta weerar ay Israa'iil ku qaaddo xarumaha Nukliyeerka Iiraan. Xamiid Ridaa oo u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa sheegay in haddii Israa'iil ay ku kacdo ficilkaas jar iska xoorka ah ay cawaaqib xumo qaadidoonto. Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii saxaafadda Maraykanku ay shaacisay in Israa'iil ay damacsan tahay weerar ay ku qaaddo saldhigyada Nukliyeerka Iiraan, xitaa iyadoon Maraykanka Fasax ka haysanin.

Wargeyska Washignton Post ayaa Todobaadkii la soo dhaafay qoray in Sharon intii uu Maraykanka booqanayey uu Madaxweyne Bush u sheegay in ay dawladdiisu ku khilaafsan tahay sirdoonka Maraykanka macluumaadka la xidhiidha haysashada Iiraan ee hubka Nukliyeerka, sidaas daraadeedna ay dawladdiisu Iiraan ku qaadi doonto weerar khatar ka gaashaamad ah, kaasoo ay ku bur burinayso Nukliyeerka Iiraan.

Md Xamiid ayaa sheegay in uu rajaynayo in Israa'iil  ayna ku kicin ficilkaa, laakiin wuxuu sheegay in dawlada sahyuunida ay dabeecad u leedahay jar iskaxoorka noocan ah iyo ixtiraam la'aanta mabaadi'da caalamiga ah.

Israa'iil ayaa hadda ka hor weerar noocan ah 1981-kii ku qaadday dalka Ciraaq, iyadoo bur burisay xarumihii Nukliyeerka ee Ciraaq.

Sidaas si la mid ah ayey damacday in ay bur buriso Nukliyerka Pakistan, iyadoo Hindiya kaashanaysa, laakiin nasiib wanaag sirdoonka Pakistaan ayaa arrinkaas ka war helay, ka dibna digniin kulul ujeediyey Hindiya iyo Israa'iil labadaba.

Top


Midowga Yurub Iyo Qorshaha Wadada Isku Xidha Somaliland Iyo Itoobiya

AFP- Ururka midawga Yurub (EU) ayaa bilaabay daraasad ay ku qorshaynayaan dib u dhiska wadada Somaliland iyo Itoobiya, sidaana waxa sheegay saraakiil ka tirsan ururka Midawga Yurub oo u waramay wakaaladaha wararka.

Pascal Joanne oo ah sarkaal ka tirsan midawga ayaa weriyayaasha u sheegay in daraasada lagu samaynayo qorshe lagu dhisayo waddo dhererkeedu yahay 887KM (550 Mile), waddadaas oo ka soo bilaabmaysa dekedda Berbera ilaa xadka Itoobiya ee magaalada Tog-Wajaale, daraasadan oo hindisaheeda la bilaabay 9-bilood ka hor waxa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday ururka Midawga Yurub.

Laakiin waxay saraakiisha midawga Yurub sheegeen guddida midawga Yurub waxay ku go’aan qaadan doonaan hirgelinta mashruucan wixii ka soo baxa daraasada ururka Faransiiska ah ee magaciisa la yidhaahdo Luis Berger.

Berger waxay mashruucan hore ugala tashadeen masuuliyiinta dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo ay ujeedada samaynta waddadan laga leeyahay tahay sidii ay Itoobiya ugu isticmaali lahayd alaabooyinka u soo dega ama ay dhoofiso ee u soo mara marinka Berbera, si culaysku uga yaraado dekedda buuxsantay ee Djibouti oo ah dekedda ugu weyn ee ay hadda wax uga soo degaan Itoobiya.

Todobaadkii tegay waxa dekedda Berbera ka soo degay 15,000 oo tan oo raashin caawimo ah, oo u socday dalka Itoobiya, sidoo kalena waxa tobaadka fooda inagu soo haya la filayaa inay dekedda Berbera gaadho caawimo raashin ah oo dhan 100,000 tan, oo ah caawimo u socota dadka Itoobiya ku tabaalaysan.

Top


Werwer adduun iyo wacdaro jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 13aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle

Inta ay ka maslaxday ayey tidhi. “waxba haka cabsan anaa kaaga dhamaynaye, ee orod oo qadee” “hadda ha ilaawin habar yar” ayuu yidhi.

Farxad iyo raynrayn 180 garaacaysa ayaa Fu’aad gebigiisaba qarisay, maxaa yeelay maankiisu kuma qanacsana shaqada ee qorshe kale ayuu dejinayey. Geeraar iyo heeso ayuu qolkiisii la galay “way ii gashee gudunta ii dhiib way ii gashee gudunta ii dhiib” casarkii markii la soo toosay ayuu wacays Fu’aad u yeedhay oo uu ku yidhi “adeer aniguba waan daaloo cid I cawisaan la’aaye xafiiskayga ayaad kashaqayn doontaa” Fu’aad oo aad u ilko caddaynaya ayaa bartii ka dhaqaaqay isagoo abtigiina u mahadinaya.

Sidii uu u lalayey ayuu u tegey geelle. Intii haddaba dhexda uu ku sii jirey ayuu ku fikirayey sida uu ka yeeli lahaa abtigii wacays, mar wuxuu yidhaa ‘ma dishaa,’ marna ‘horta talo soo qaado’. Sidii uu iskula guuxayey ayuu geelle u galay oo yidhi “bushaaro, bushaaro” “ bilkhayre, maxaad maanta ii sidaa?” ayuu wacays oo kursiga ka sara kacay oo aan war kale naawilayni ku yidhi.

Fu, aad “qorshaheenii qaybtii kowaad way inoo hir gashay oo islaantii ayaan iskaga bihinbihiyey, markaasay tidhi ‘anaa odayga kaaga dhamayn doona ee oohinta iska tir’, dabeeto isagoo hor boodaya intuu ii yimi ayuu yidhi, ‘anaa ku nool oo jagadayda ayaad qabanaysaa’ Geellow imika ayey innoogu dhawdahaye ma khaarajinaa?” Geelle oo naxdin dhidid buurbuurani ka soo booday ayaa degdeg u yidhi, “maya. caqli gaab ha noqon ee waxaad yeelaysaa odayga ayaad u tegeysaa, dabeeto waad iska dhaadhicinaysaa oo si fiican ayaad u shaqaynaysaa, intaa wixii ka dambeeyana ila soo hadal, waan u dhamaynaynaaye.

Isla aroortiiba fu’aad shaqadii ayaa lagu wareejijey. In muddo ahna odaygii ayaa aaminay. Maalin ayuu wacays doonay in uu safro, shaqadiina fu’aad ayuu ku dardaarey. Soo noqodkiisii ayuu fu’aad si fiican usoo dhaweeyey. Wuxuu wacays ashqaraaray markii uu arkay inankii muddada badan ag joogay ee aannu hawl u diran jirin oo kaalin aad u sarraysa ciyaaraya meeshiina kala habeeyey. Wuxuu judhiiba su’aalay “shaqada intii aan ka maqnaa si fiican ma u kala waday?”

Fu’aad “Haa. ee waad soo daashee iska nasoo seexo, markaad soo toosto ayaan kuu wada dhiibi wixii aan qabtay oo idile. Markii uu seexday ayuu fu’aad Geelle la hadlay “ Halo, waa fu’aade hadda ayaan qorshaynayaa sidii aan uga sexeexi lahaa warqadda” “waa arrin fiican ee ku tallaabso” ayuu Geelle ku yidhi. Wacays ayaa soo toosay. Wuxuu u tegey fu’aad oo u wada diyaariyay faylasha ay ku qornaayeen waxqabadkiisu. markii uu wacays arkay ayuu farxay oo uu yidhi, “Waar nin raga ayaad tahay. Laakiin bari hore haddaad ii iman lahayd waan taajiiri lahaa. Ragannimo waad dhaaftay oo libaax baad noqotay aan la gaadhi karin; karti ayaad leedahay” Fu’aad oo madaxa yara xoqanaya ayaa yidhi “laakiin Adeer saxeexaaga iyo kuwa kale ayaa iskaga kay dhex qasan ee ma I tusi kartaa fadlan ?” “Haa. Sideenan kuu tusaynin; warqad cad soo qaado haddeer ayaan ku tusayaaye” Isagoo iskala garan la’ faxad darteed ayuu fu’aad warqaddii soo qaaday wuxuu tusay in uu meel cidhif ah ku qoro. Saxeexii ayuu qaaday oo wuxuu ku qoray warqadii sexeexnayd qoraallo ah inuu dhaxalka Fu’aad leeyahay oo aanu Bilis waxba ku lahayn.

Markii uu guushaasi hantiyey ayuu Geelle taleefan soodiray. Waxa ka qabtay Fu’aad “haloo Geelle anigu hawshaydii waan ka soo baxaye adigay kugu hadhay”. “aad ayaad uga soo baxday tayda e, gacalkay ma kula joogaa?” ayuu Geelle yidhi. Fu’aad “sug aan u geeyee, adeer”. Wacays ayaa qaaday “Halo, haa Geelle weeyaan, waa gacalkii aan kala baadnay, bal ii warran, xaalladaada”. Geelle “Caaddaa ayaan marayaaye, oday weyn oo waayeela oo carruurtiisii ubaddo dhalayaan ayaan ahay, layaabse ma lihiyoo mar haddii aan da’daasi gaadho waa Alle mahaddii. Waxaase aan samaynayaa wax aan hore loo qaban, ahaa, haddaad maqasho waad dhako faari doontaa” Wacays oo qoslayaa dhinacna ka yaabban hadalladan is burinaya ee ka soo yeedhaya odayga ayaa yidhi “Ii sheeg kolley waan kula qabaniye” Geelle “Odey waayeeloo xaflad dhiganayaa malaha waa kow e, caawa ayaan rabaa inaad igala soo qayb gasho aniga iyo madax caddayada fagaaraha isku arki doonta” “Waa yaab! Waayahay, anigaa kuu imanaya,” ayuu wacays yidhi.

La soco.

Top


RAADYOW MAQALOOCSHE, A.A.Garas

Halkani waa raadyow maqaloocshe oo aydin ka dhegaysataan labada mawjadood ee ilaaqda iyo kaftan mitirka.

Dhegaystayaashayada dhakada fayow lahow waxaynu soo gaadhnay waqtigii aan idinku gadh qaban jiray wararkii dunida, waxaana maanta dabada ka eryaya weriye mr. Amuume.

Warkii oo wayso ku jira

Dadka Maraykanka iyo kanada ayaa indhaha faraha iska geliyay kadib markii habeen dhowayd birtii laydhka siin jirtay suuxday oo siraad laga waayay. Dad 50,000,000 malyuun ka badan ayaa hirdi iyo is-jiidhjiidh iskala daalay kuwaasoo iyagoo wiqiiqda haya kolba dhan isku dhex yaacay. Dadkaasoo u badnaa dad talo aduun ka indho saabnaa oo korontadu kibrisay ayaa laydh la’aan keliya u le’an gaadhay.

Sidoo kale, waxa iyana aabahood goblamay dhamaanba agabkii koronto cunka ahaa oo ay ka mid ahaayeen beeraha baawar tiriiga ku baxa, kuwaasoo mitir jooradiina ka idlaadeen.

Laydhkan bakhtiyay oo aan la sheegin shilka helay ayaa loo malaynayaa in mashiinada laga nixiyay kadib markii warar cabsi leh looga sheekeeyay oo lagu yidhi Usaama ayaa idiin dhaaranayay, al-qaacida ayaa idin gaadaysa, wadamada Kanada iyo Maraykanka oo laydhku isku xuli jiray ayaa qoloba qolo ku eedaysay oo tidhi; heblaayo ayaa samaysay iyo hebel baa bakhtiiyay. Inkastoo wararku sheegayaan in laydhkii ergo loo diray oo dib loo soo sasabay ayaa haddana dadka qaarkii cabsi darteed isla xoqayaan oo sida fiinta gudcurka kasii baqayaan.

Ninka laydh tuulaha ka ah magaalada Nayuu-Yoorak oo arintaa ka hadlay ayaa gudcurka u hanjabay oo dadkiisa ku yidhi; “The Power is baastar, because its going black out isagoon nala tashan.”

Dalka Maraykaan oo dawlad tamar martay ah oo kibir dartii nukliyeerka nalka ku shidata ayay arrintani askaxooda gurtay. Taasoo markii ay isku magacaabeen quwada dunida uu ilaahay tusayay intay ku filan yihiin.

Madaxweyne Buushe oo ku sugnaa magaalada Waashimikan ayay wararku sheegayaan in markii laydhku ku bakhtiyay uu bohol ku dhuuntay, halkaasoo bisadi ku cuni gaadhay oo ay u malaysay jiir dib-jiray oo duqrumaadiyadda faafinaya.

Habar Siyaasadda dhuuqda ayaa tidhi, “ma kanay lahaayeen Maraykan baa dunida ugu xoog badan, ragayaga waa taan waayaa isagaa dunida ugu liita, ma nimanka laydh ka bakhtiyay la balan-balan balaya bal maxay samayn lahaayeen haddii biyahana laga jaro, gantaalo iyo dayuuradana lagu horo.”

Si kastaba ha ahaatee, dalka Maraykaan oo horeba duulaan ugu jiray ayaa laga yaabaa inuu iminkana weerar ku qaado laydh la’aanta, kaasoo lagu soo waramay in shirkadahoodu cad-ceeda tamarta ka dhuuqaan oo shidaalka nacaan.

Intaasi waxay ahayd warka murtidiisii.

Riyo Borogaraam

Habar riyootay ayaa shalay nagu soo booqatay buulka Raadyow Maqaloocshe, habartaasi waxay tidhi; “waxaan doonayaa inaad ii macnaysaan riyadaydan.”

Layee, oo maxaad ku riyootay? Waxaan ku riyooday bay tidhi; iyadoo timahaygii madaxa la iga xiirayo ee markaa ii macneeya!
Riyada islaantaa waxa macneeyay Dr. Maseexde, waxaanu ku yidhi; Riyadaas macnaheedu waxa weeye xoolahaagii oo cid kale cunayso, runa maaha beena ka ilko waaweyn.

Dhegaystayaal warkii intaas buu igaga e’g yahay, iminkana ku soo dhowaada bahal hees ah oo aad doqoniimada dawlad moodo.
Waxa curiyay Abwaanka Cajabta leh, Cali Carab, waana tane naga guddooma:

Gabay

Asli Internet (Cali Duul-duul)

Duul Allow la yaabaye
Shirkan laysku dabayee
Kiiniya ku dagamsani
Ma dig baa ma dadar baa
Ma daruuro roobbaa.
Ma jacaylki duullee
Dusha sare u baxayee
Cirka darafyadiisiyo
Xidigaha la degayee
Dayax-gacmeedka raacaa.
Ma dastuur wareeroo
Daankastaba u kacayoo
Deedafayno gaar iyo
Xeer ku duugan yahay baa.
Ma daakhili wasiiroo
Dadka kala habeeyoo
Danabadii is biday iyo
Daalibaan xidhxidhaybaa.
Ma difaacyo halisiyo
Doodaan hadhaynoo
Dalanbaabi socotiyo
Deegaankii Gabiloo
Lagu kala dareeraa.
Ma golii is doortee
Doortee is doortee
Wasiiradii badh daadshee
Badhkii kalena daystaa.
Ma wasiir degdegayoo
Dafdaf ba’an la yimidoo
Hay’ado dafirayoo
La dul baxaya faashkoo
Wuxuu doolar soo helay
Dabadeed cunaayaa.
Ma nalkii damaayee
Dawladii adkaydiyo
Maraykaan derderayee
Laye danab ku dhacayiyo
Quruumaa dureeyiyo
Din-garaaro geystaa.
Ma duulaankii Ciraaqee
Duniduba ka maagtee
Dirqi lagu ataagee
Ciidankii dalaysnaa
Maryii dumarka qaatee
Duhur qudha la waayaa.
Ma degaan Hargeysoo
Dedan iyo si daalacan
Dadku ugu codeeyoo
Halkay dhibay dabooshiyo
Dayac beel ka sugayeen
Baloodhada dilaashaa.
Ma xabaal la duugoo
Ciid lagu daqiiqiyo
Digdigley ruxmanaysiyo
Daraawiish la ururshiyo
Ma aaskii Dayaanaa.
Ma diyaaradii beri
Al Qaacida ku duushee
Ducda bidix ka galayee
Daarii burburiyaa.
Ma wasiir la dirayoo
Xaaja dedan ka digayoo
Duco qabe la yidhi baa.
Ma mujaahid diriroo
Dagaal culus ku raagoo
Dirgan waayay socodkoo
Daamaciisii waayaa.
Ma darwiishkii geeloo
Dunidaba dhameeyoo
Maraykaan u duuloo
Dib u noqoshadiisii
Faransiis ka degayoo
Sidii caano doorsamay
Doolarka iyo yuuradu
Ay iskaga darmeenoo
Misna dib uga maagoo
Carabtii u dooloo
Ku dayoobay socodbaa.
Ma meelay dariiqiyo
Culimada digriyaysiyo
Wadaad diinli joogoo
Jis camaale duublihi
Dadka uu wacdiyayaa.
Ma islaan dudaysoo
Dukaan waalan furatoo
Dabadeeto kacayoo
Daasado la qaxaysaa.
Ma gabaygii daraatee
Dunidaba wareershee
Si haadka duulee
Loo diray marxuumkaa.
Mise waaban daallee
Aan soo dabaalee
Ma islaan da’ weynoo
Qaad-wale dul joogoo
Kii ka duubtay jaadkii
Degdeg uga baxsadayoo
Qunyar dayn ku go’ay baa.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Golaha Deegaanka Hargeysa Xilkoodii May Garan

Waxaan la yaabaa warbixino badan oo ka soo baxa golaha deegaanka  hargeysa kuwaasi oo lagu tilmaami karo marka la akhristo khudbadahood kuwa ay ku jiraan aqoon la'aan ka heysata dhulka Hargeysa majooratigooda waayo?

Madaxda golaha deegaanka Hargeysa waxa ay  ubadan yahiin niman ay ku cusubtahay ka mid noqoshada goluhu sidaasi  darteed waxaa la odhankaraa waxaa ka maqan khibrad badan ooy u baahanyahiin.

Sababtoo ah waxaa la soo qaadan karaa hadaladii ay guurtida ka  horjeediyeen C/laahi Uurcade iyo  Maayor Jaciir. Taasi ooy ku  doodeen  waa in maxkamadaha laga wareejiyaa dacwadaha dhulka 
waayaabe xagee  aduunka laga ciyaaraa siyaasadaasi ma waxaa jirta  dacwad ay  xukunto gole  minishiibiyo oo aan  maxkamadi  xukumin. Waxaa aduunka wax xukuntaa waa garsoor ee  golaha deegaanka haloo  macneeyo waxa uu shaqo ahaan qabto gole deegaan oo ay iyagu u  heystaan gole siyaasadeed.

Saaxiibayaal gole deegaan gole siyaasadeed mahee waa gole  nadaafadeed ee waxaa waajib idinku ah in aad bilicda magaalada ka shaqeysaan wixii qeynuun ahna aad u deyso hay‘ada iska leh waxii  fulin ahna aad u deysaan hay’adaha kale.

waxaad ku fashilanteen shaqadiinii  ee waxa aan kula taliniyaa  shacbiga reer Hargeysa in ay soo doortaan gole deegaan oo xilkooda  si wanaagsan u  guta waxa ay doorbidayaan golaha ku cusub deegaanka  hargeysa  in ay ka  raadiyaan  shaqada  shacabka  magac  siyaasadeed   saaxiibow sidaasi maaha shaqadu magaca Ilaahay baa bixiya ee ummadii  idin dooratey wey idinku khasaareen ee hadaad sharaf leedahiin is  casila.

waxaa qorey akhriste Dahir Xussein, Holland.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Wareysi – Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur): Xidigii Kooxdii Xulka Gobolka Waqooyi-Galbeed U Dhaliyay Goolkii Ay 1984-kii Ku Qaadeen Koobkii Tartankii Gobollada Soomaaliyadii Hore, Q: 2aad

C/fataax M. Caydiid

“C/laahi Daahir Ayuu Ahaa Ninka Lahaa Mustaqbalka Iyo Sumcadda Aan Ku Leeyahay Ciyaaraha.”

“Sannadkii 1985-kii Kamaan Qayb-gelin Xulkii Gobolka, Waayo Waxa Lay Xidhay SNM-nimo…”

Q: 2aad

Hargeysa (Haatuf) – Intii akhrisatay Wargeyska Haatuf, cadadkiisii shalay ee 399, bogga ciyaaraha, waxaanu idiinku sii daynay qaybtii hore ee wareysi dheer oo aanu la yeelanay xidigii xulkii kubadda cagta ee Gobolka Waqooyi-galbeed sideetameeyadii, Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), waxaanu qaybtaa hore ku soo qaadnay wakhtiyadii uu u ciyaari jiray kooxdii Dugsigiisii sare ee ka tirsanaan jiray oo ahaa bartilmaameedkii ugu horeeyay caanbixiisii kubadda cagta.

Haddaba, maanta waxaanu Shakuur ka waraysanay taariikh-ciyaareedkiisii wakhtiyadii uu ka midka ahaa xulkii Gobolka W/Galbeed, kaas oo ahaa wakhtiyadii dahabka ahaa ee taariikh-ciyaareedkiisii.

Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), waxa uu xulkii gobolka W/galbeed ku biiray sannadkii ugu horeeyay ee uu u saftay kooxdii Dugsigiisii Gacan-libaax 1983-kii, kadib markii ay kooxdaasi ku guulaysatay koobkii tartanka dugsiyada sare ee sannadkaas, isagoo Shakuur ka waramaya markii ugu horeysay ee loo qaatay xulkii gobolka, waxa uu yidhi: “Waxa uu sannadkii ugu horeeyay ee la igu soo daro kooxda Gobolka, sannadkii 1983-kii, iyadoo aan isla sannadkaas u ciyaarayay Dugsigayga oo aanu koobka ku guulaysanay.

Runtii waxa I gacan qabtay oo igu soo daray kooxda Gobolka Alla ha u naxariistee C/laahi Daahir Dhidar oo ahaa ninka ka dambeeyay guulahaygii aan u soo hoyeeyay gobolka iyo ilaa imika sumcadda aan ku helay ciyaaraha kubadda cagtaba. Walow, aan wakhtigaas markii la ii sheegay in aan la xeroonayo xulkii gobolka, uu shaki igaga jiray in lay soo reebayo. Sidii baanu ku xeroonay, annaga oo ahayn 28 ciyaartoy oo nin nin ka dhacaa aan lahayn. Aniga iyo nin kale oo Xasan la odhan jiray ayaa ugu yarayn. Kadibna waxa la gaadhay in la sameeyo xulis ciyaartoyda dhexdooda ah oo la doonayay 18 ciyaartoy oo keliya in laga soo reebo, inta kalena la fasaxo. Markaa aniga waxa I galay walaac, sababtoo ah waxaan is lahaa labadiina ugu yar yari waxaad noqonaysaan kuwa ugu horeeya ee la reebayo, waayo, da’ ahaan ayaanu is lahayn waa la idinku reebi.

Anigu waxaan is idhi intaan meesha lagaa reebin, gurigiinii oo waxa had iyo goor aad looga baqi jiray in la yidhaa ninkaa waa la soo reebay oo ceeb ayaa loo arki jiray. Kadib Alla ha u naxariistee C/laahi Daahir, ayaa ii sheegay in aanan anigu ku jirin kuwa la reebayo, waayo maadaama oo aan anigu iskuulka ahaa foom two (fasalka labaad ee dugsiga sare), ciyaartoyda badankooguna foom tiriiyo iyo foom fooro u badnaayeen, waxaan gobolka u sii ciyaari karaa sannadkaa iyo laba sannadood oo kale, balse ciyaartoyda kale marka ay ka baxaan waxay tegi doonaan Jaamacadda gobolkana way ka tegayaan. Sidii baanan ku joogay, waxaana la sameeyay salakshankii, anna aan ka mid noqday. Sannadkaa waxa la qabanayay Ceerigaabo, halkii ayaanu tagnay.”

Shakuur waxa uu sannadkaa kooxda Gobolka ugu jiray khibrad ahaan, kamanuu qayb-qaadan ciyaarihii sannadkaa, isagoo taa tafaasiil ka bixinaya waxa uu yidhi: “Markii xulista la samaynayay ee aniga la I soo qaatay, ayaa raggii lagala tashaday oo ay ka mid ahaayeen Cali Maalgaash, Sitiin Nuux iyo Camuudo, nimankaas oo markaa ahaa ragga ugu cadcad kooxda ay yidhaahdeen ha lagu daro ciyaartoyda safanaysa ee 11-ka ah. Kadibna, C/laahi Daahir (Alla ha u naxariistee) ayaa yidhi waa inan yar oo soo kacaya, markaa waayo-aragnimo ayuu nagu raacayaa maadaama uu noogu jiro 18-kii ciyaartoy ee soo hadhay. Sidii ayaanu ku tagnay Xamar ee wareegii labaad uu aanu uga qayb-qaadanay tartankii gobollada.”

Sannadkii 1984-kii oo ahaa sannadaha aad taariikhda ugu lahaa Gobolka W/Galbeed tartankii gobollada Soomaaliyadii hore, kaas oo ay ahaa sannadka keliya ee ay gobolkaasi ku guulaysteen koobkaas, waxaanu Shakuur isagoo sannadkaa ka waramaya yidhi: “Sannadkii 1984-kii oo ay kooxda Gobolku ahayd sannadkii ay ugu adkay oo ay ku jiraan ciyaartoy waaweyn oo aad laacibiin u ahaa, waxa is aragii hore lagu qabtay Gobolka Togdheer ee magaalada Burco, waxaanuna ciyaartii u horeysay la ciyaarnay Ceerigaabo, taas oo aan wakhtigii 90-ka ciyaarood ahaa ee ciyaarta aan ciyaaray, waxay ku dhammaatay barbardhac 1-1. Ciyaartii labaad waxaanu la ciyaarnay kooxdii Gobolka Bari, ciyaartaas oo aan riseef ahaa qaybtii hore, balse qaybtii dambe ayaan soo galay waanuna ka badinay.

Ciyaartii saddexaad oo ahayd mid haddii aanu badino oo keliya aanu Xamar ugu baxaynay, haddii ay iyagu naga badiyaan ama barbardhac noqoto, iyagaa ku baxayay, taas oo ahayd markii labaad ee sidaas oo kale dhacdo, kadib markii sannadkii kan ka horeeyay ee 1983-kii ay sidaas oo kale ahayd. Ciyaartii waxay qaybtii hore iyo badiba qaybtii dambe ahayd barbardhac aan waxba la isku dhallin, laakiin markii ay saddex daqiiqo in ku dhow ka hadhsanayd, ayaa waxa jirtay in aan aniga oo markii hore 7-ka saarnaa aan 8-ka imid, kadibna aan kubad dhexda ka soo qaatay anigoo sidaan ula socday la galay diilinta 18aad, kadibna waxaan xusuustay laba nin oo aad ii jeclaa (Alla ha u naxariistee Cumar Booto-booto iyo Xasan Maxamed Xoore) talo ay I fareen oo ahayd, haddii aad kubad diilinta 18aad la soo gasho (Deep line), aanad ku fekerin in aad dhaliso uun balse aad kubadda hor dhigto goolka si ama saaxiibkaa kubadaa u dhaliyo, ama ninka difaaca ahi iskugu dhallin karo.

Taas ayaana maskaxdayda ku soo dhacday, kadibna waxaan arkay Cismaan-Waxar oo koonaha kale ordayay kadibna waan u dhigay baaskii, goolkiina shabaqa ayuu u dhigay kubadii, ciyaartiina sidaas ayay ku dhammaatay oo aanu Xamar ugu baxnay. Anigu shakhsi ahaan ciyaartaas laga bilaabo waxay I ahayd, bilow wanaagsan. Markii aanu Xamar tagnay is aragii labaad, waxa aanu ciyaartii u horeysay la ciyaarnay koox aad u adkayd oo ahayd xulkii Kismaayo, ugu horeyntii gool ayay naga dhaliyeen, ciyaartiina 1-0 ayay muddo badan ku socotay, xataa waxa dhacday in taageerayaashii gobolka W/galbeed ay iska dareereen oo is lahaayeen waa laga badiyay, iyadoo ay wakhti yar ka hadhsanayd dhammaadkii ciyaarta, saacadii garoonka xamar way dul kortay, waxaana lagu jiray wakhtigii dheeraad ahaa ama wakhti daayaca la yidhaa, kadibna gool ayaanu dhaliyay, kaas oo uu noo dhaliyay Jaamac Maxamed Cawaale (Jamaame), kubadiina markii dhiida la soo dhigay ayuu garsoorihii ciyaartu dhammaystiray oo siidhigii afuufay.

Dadkii wakhtigaa ku sugnaa Xamar, waxay saadaashoodii ka dhigeen oo ay yidhaahdeen labadaa gobol ee W/galbeed iyo Kismaayo midkood uun baa koobka qaadanaya. Kadib labadii ciyaarood ee dambena waanu badinay, sidaas ayaanuna semifinalkii ugu soo baxnay oo aanu Baydhabo isku soo beeganay, iyadana 1-0 ayaanu kaga badinay. Ciyaartii Finalka ayaanu mar kale isku soo baxnay Kismaayo oo aanu ciyaartii hore 1-1 isku soo barbaraynay. Aniga ciyaartii semifinalka ayaa dhaawac iga soo gaadhay, haddana ciyaartii finalka waan dhammaystay oo waan ciyaaray. Ciyaartaas oo ahayd mid aad u adkayd, waxay 90-kii daqiiqadood ee ciyaartu ku dhammaaday barbardhac aan wax goolal ah laysku dhallin. Dabadeed waxa lagu daray wakhti dheeraad ah oo 30 daqiiqadood ah, kadibna qaybtii hore ee wakhtigaa dheeraadka markii ay shan ilaa saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaanu gool dhallinay, kaas oo aan anigu dhalliyay, waxaanay ciyaartii ku dhammaatay 1-0 aanu kaga badinay Kismaayo, halkaasna aanu koobkii ku guulaysanay.”

Shakuur, mar la weydiiyay dareenkii ciyaartoydii kooxdiisa, gaar ahaan isaga, waxa uu ku jawaabay; “Horta wax la qiyaasi karo may ahayn, farxada naga muuqatay, waayo, waxay markii u horeysay ee koox gobolkayaga ka socotaa ku guulaysato koobka, taas oo farxad dheeraad ah ahayd iyo annagoo ku guulaysanay koobkii. Aniga ciyaartoydii kale ayaan la qabay farxad, waxaanay wax iska qoran haddii aanan ku jirin iyo haddii aan ku jirayba in aanu sannadkaa ku guulaysano, taas ayaana dhacday.”

Shakuur, kama qayb-gelin sannadkii 1985-kii, kadib markii dawladii Kaligii Taliyihii Siyaad Barre ay xabsiga u taxaabtay, kadib markii ay u aanaysay inuu ka mid yahay ama taageero ururkii SNM ee u dagaalami jiray dib u xoreynta dalka Somaliland, balse waxa uu ka qayb-qaatay tartankii 1986-kii iyo 1987-kii oo uu kooxda Xulka ku sii jiray.

“Tartankii 1985-kii kamaan qayb-gelin xulka Gobolka, sababtoo ahayd aniga oo SNM ahaan la ii xidhay, iyadoo waliba la iga soo qabtay Iskuulka 1 July oo aanu ku xaraysnayn tababarkana ku qaadan jirnay, kadibna sidii ayaan uga hadhay oo aanan uga qayb-qaadan sannadkaa. Laakiin labadii sannadood ee kaa ka dambeeyay ee 1986 iyo 1987-kii waan u ciyaarayay gobolka. Runtiina mar dambe kumaanu guulaysan koobka, balse heerkayagu wuu wanaagsanaa oo xataa sannadkii aan ka maqnaa semifinalka ayay ku hadheen kooxda Gobolku, 1986-kiina semifinal ayaanu gaadhnay. Waxaana jirtay in aanu sannadkaa 1986-kii ciyaartii semifinalka isugu soo baxnay Kismaayo, kadibna rigoorayaal ayay nagaga badiyeen, waxaanuna galnay kaalinta 3aad. Sannadkii 1987-kii ciyaartii markii aanu is aragii labaad u gudubnay, waxaanu ciyaartii u horeysay la ciyaarnay gobolka Hiiraan, ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u heer saraysay.”

La soco qayb kale oo xiiso leh. 

Top