Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 404 August 25, 2003

Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Qaabilay Wefdi Jarmal Ah

Dhallinyaro Reer Somaliland Ah Oo Wacdaro Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Ah ka muujiyay Bandhig-faneed lagu qabtay Los Angeles USA

“Lacagtii Soo Xerrootay Way Ku Jirtaa Khasnadda, Mana Jirto Balaayiin LalaBaxay”

Baki Iyo Gebilay: Muranka Dhul-Beereedka Xamarta-Hogeed Iyo Mawqifyada Labada Dhinac

Dood Ka Aloosan Wakaaladda Biyaha Berbera Iyo Xiisadda Ka Aloosan

Laba Orodyahan Oo Reer Somaliland Ah Oo Qalab Isboortis Ku Wareejiyay Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud

Ciyaar Saaxiibtinimo Oo Dhexmartay Gaashaan Hargeysa Iyo Goodir Boorama

CNN-Ta Oo Qiimeyn Ku Samaysay Ciyaaryahanada Kubadda Cagta Ee Adduunka

Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoydii Xulka Qaranka Ee Sierra Leone Oo Finland Iska Dhiibay

Tartankii 9 Aad Ee Ciyaaraha Fudud Ee Adduunka Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Gunners Oo Si Raaxo Leh 4-0 Kaga Guuleystay Middlesborough


Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Qaabilay Wefdi Jarmal Ah

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda hayadda dawladda Jarmalka u qaabilsan iskaashiga wadamada soo koraya, waxayna madaxweynaha iyo weftigaasi halkaa isku dhaafsadeen wadal is-xaalwaraysi ah.

Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris oo kulankaa ka dib warsaxaafadeed soo saaray madaxa weftiga Jarmalka, oo magaciisa la yidhaahdo, Dr. Schulz ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkooda Somaliland, wuxuuna sheegay in waxyaalaha ay u socdeen ay ka mid ahayd inay ogaadaan xaqiiqda Somaliland ka jirta, si buu yidhi aanu dalkayaga iyo caalamkaba ugu bandhigno. Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan inay baarlamaanka Somaliland ka taageeri doonaan dhinacyada sharci dejinta iyo hawlaha miisaaniyadda iyo weliba sidii ay iskaashi ula yeellan lahaayeen baarlamaanka Jarmalka.

Weftigan oo muddo saddex maalmood ah hadda dalka joogay waxa uu Mr. Schulz sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin waxyaalaha ay ka mid yihiin nabadgelyada iyo dhaqdhaqaaqa nolosha, isaga oo intaa ku daray inay ka mahad naqayaan sida ay shacbiga iyo dawladda Somaliland u soo dhoweeyeen.

Madaxweyne Rayaale ayaa isna dhiniciisa yidhi “Waxaan aad idiinku mahadinayaa inaad dalkiina uga timaadaan inaad wax la qabataan Somaliland, aniguna waxaan idiin ballanqaadayaa inay xukuumadaydu gacan buuxda idinka siinayso hawlaha aad halkan u timaadeen”.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, isaga oo yidhi “Dalkani intii aanu ku biirin Somaliya waxa uu ahaa dal madax banaan oo taariikhdiisa leh, anaga oo ku biiriddii Somaliya uga jeednay midayntii shanta Somaliyeed, iyadoo ay riyadaasi dhimatay, waxaana dalkan soo maray, burbur iyo xasuuq aan la soo koobi karin, halgan qadhaadh ka dibna waxaanu dib ula soo noqonay madax banaanidayadii, anaga oo aan ahayn dalkii ugu horeeyey ee Afrika ee ka noqda ku biirridda wadan kale, sida Senegal iyo Gaambiya”.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland meel cidla ah wax ka bilowday, maantana ay tahay dawlad buuxisay shuruudihii aqoonsiga loo baahnaa, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu yidhi “Wax badan oo kale oo aanu u qaban lahayn baarlamaankayaga waxaan na gaadhsiinayn awoodayada, markaa aad baan ugu faraxsanahay inaad hawshaa naga daboolaysaan”.

Top


Dhallinyaro Reer Somaliland Ah Oo Wacdaro Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Ah ka muujiyay Bandhig-faneed lagu qabtay Los Angeles USA

Los Angeles/ California (Haatuf) – Waxay isaga soo ciyaar gudeen daafaha gobolka ballaadhan ee California oo ku yaal cariga Maraykanka, bar-kulankoodu waxa uu ahaa magaalada Los Angeles oo lagu qabanayay carwo lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka dalalka Afrika, waxayna iyagoo calanka Somaliland lulaya, habluhuna ay lebisan yihiin gareys cagaaran iyo maro cad, wiilashuna ay lebisan yihiin kol-xidhad isugu jira Macawiiso, saadhadh cadcad, go’yaal shaal ah iyo koofiyado ayay dusha uga baxeen masraxii fagaaraha ciyaarta, iyagoo ku heesayay “Haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo, waana lama huraane hagar li’i wax ugu qabo..” Kadibna daawadayaashii meesha joogay ayaa hal mar isla oogsaday, kadib markii ay barbaarta reer Somaliland hal mar isla heleen jiibta iyo jaanta, iyagoo ku halwinaya ciyaarihii ay Somaliland hidaha iyo dhaqanka u lahayd, kuwaas oo isugu jiray; Saylici, Botor, Hirwo, Jaan-dheer iyo ciyaaro kale oo ay si xidhiidh ah halkaa ugu soo bandhigayeen.

Bandhig-faneedkan carwada Afrika, waxa weeye munaasibad sannadkiiba hal mar lagu qabto magaalada Los Angeles ee xarunta gobolka California oo ah gobolka ugu ballaadhan gobollada dalka Maraykanka, waxaana carwadaa markii ugu horeysay la soo bandhigay 18 sannadood ka hor, iyadoo ujeedada laga lahaa ay ahayd in dadweynaha Maraykanku ay wax ka ogaadaan dhaqamada kala duwan ee Afrika iyo alaabooyinka lagu sameeyo dalalka qaaradda Afrika, isla markaana waxaa munaasibaddan sannadkasta ka qayb-gala dalal badan oo ka kala tirsan Afrika, Laatiin Ameerika, Kerebiyanka iyo Shakhsiyaad caan ah oo Maraykanka madow ah.
Sannadkan waxa bandhigan la bilaabay 16-kii bishan aynu ku jirno ee August, waxayna socon doontaa ilaa 1-da bisha September ee fooda inagu soo haysa.

Hase yeeshee, dhallinyarada reer Somaliland ee bandhig-faneedkaa ka qayb-galay 23-kii August oo ahayd dorraad ayay masraxa is keeneen, waxayna ka geysteen wacdaro, taas oo fursad qaali ah u ahayd dhallinyaradaa, waxayna dadkii halkaa isugu yimi u soo bandhigeen ciyaaro xiiso leh oo hidaha iyo dhaqanka ah, laakiin taa ka sokow, waxay fursad weyn u ahayd qadiyadda Somaliland iyo ololaha loogu jiro sidii ay Somaliland ictiraaf caalami ah uga heli lahayd bulsho-weynta caalamka.

Barnaamijkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Machadka dib-u-dhiska Somaliland, waxa isku dubaridkiisa qayb libaax ka qaatay dhallinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan koonfurta gobolka California, kuwaas oo in muddo ah ku jiray diyaar-garow iyo tababar ay isugu carbinayaan ka qayb-galka bandhigaas.

Xasan Mooge Xirsi oo xubin ka ah Machadka dib-u-dhiska Somaliland, ayaa isagoo ka hadlaya dhacdadan ayaa ku sheegay in dhallinyaradani hirgeliyeen Barnaamij ay Somaliland kaga qayb-gashay carwada Afrika, iyadoo ay maalin walba isaga iman jireen magaalooyin boqolaal Mayl isu jira kooxo dhallinyaro ah, kuwaas oo isku carbin jiray ciyaaraha ay soo bandhigi doonaan, laakiin Xasan Mooge wuxuu si gaara ugu mahadnaqay dadkii wax ka hirgeliyay barnaamijka ay soo bandhigeen dhallinyarada reer Somaliland, dadkaasna waxa ka mid ah:

Samsam Maxamed
Sucaad Cabdi
Yaasmiin Maxamed
Canab Nuur
Farduus Muuse
Aadan Xasan Iimaan
Siciid Maygaag Samatar
Ibraahim Axmed Sayid
Maxamed Cilmi Bulaale
Cumar Maxamed Sanyare
C/raxmaan Maxamed (Abu site)
Cabdalle Xaaji Cali
Xasan Maxamed Aadan (Sheef)
Abiib Xaaji Jaamac
Maxamed Maxamuud Kaba-tole
Venesa Xirsi (Xaaska Xasan Mooge iyo inantooda caasha)
Julia Ward iyo Marcia Thomas oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha carwada
Azeb Tadesse oo ka tirsan ururka Itoobiyaanka Maraykanka ah
Faaduo Cali Maarshaal oo iyadu calanka Somaliland soo samaysay
Farxiya Ducaaleh
Ifraax Raabi
Faadumo Maxamed
Aamina Maxamed
Ayaan Ducaaleh
Hibo Abiib
Nimco Abiib
Canab Nuur
Hayt Cali
Muluka Xuseen
Maxamed Cali
Khadra Maxamed
Khadija Maxamed
Axmed Abiib
C/risaaq Abiib
Insaaf Cali
Xaliimo Jaamac
Nimco Maxamuud
Ridwaan Nuur
Asma Cabdi

Top


“Lacagtii Soo Xerrootay Way Ku Jirtaa Khasnadda, Mana Jirto Balaayiin LalaBaxay”

Hargeysa (Haatuf) – Wasiirka Maaliyadda dawladda Somaliland, Xuseen Cali Ducaale, ayaa shalay markii ugu horeysay ka waramay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dakhligii soo hoyday lixdii bilood ee u dambeeyay, wuxuuna arrimahaa kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, laakiin wasiirku kuma ekaan arrimaha Maaliyadda oo keliya ee waxa kale oo uu wax ka taabtaabtay dhinaca siyaasadda, isaga oo naqdiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay labada nin ee gudoomiyayaasha ka ah xisbiyada KULMIYE iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ka soo yeedheen hadalo deelqaaf iyo handadaad ah.

Wasiirka Maaliyaddu, waxa uu ugu horeyn farta ku fiiqay duruufaha dhaqaale ee dalka, isaga oo masaal u soo qaatay in ay duruufaha dhaqaale dalkastaba soo foodsaari karaan, isla markaana wuxuu tilmaamay saameyntii ay xaaladda dhaqaale ku yeesheen doorashooyinkii dalka ka dhacay, wuxuuna yidhi: “Waxaan xusuustaa doorashadii Kenya ka dhacday oo 100 Malyuun oo doollar la siiyay. Masalan dawladaha Tansaaniya iyo Kiiniya, markii aan joogay mar-mar baa mushaharku afar bilood dib u dhici jiray, dawladda Maraykanka oo ah dawladda ugu weyn adduunka, ayaa 20 sannadood ku jirtay hoos u-dhac dhaqaale, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee hoos u-dhaca ka saaray Bill Clinton.”

Wasiirka Maaliyadda oo imika xilka hayay muddo laba bilood gaadhaysa, waxa uu hadalkiisani u ekaa inuu daba socdo warar uu Wargeyska Haatuf daabacay, kuwaas oo faaqidaad dheer ka bixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dakhligii lixdii bilood ee u dambeeyay ku soo hoyday kiishada dawladda, laakiin Wasiirku isaga oo ka hadlaya xaaladda wasaaradiisa iyo muddadii uu xilka hayay, wuxuu yidhi: “Anigu laba bilood baan hadda wasaarada joogay, hawsha ii taallaana waxa weeye in aan dakhliga wixii baaqday doono, iyo in aanu dakhliga soo xerroodaa meel kale marin, iyo in shaqaalaha Wasaarada ah ee ay ku cadaato inuu lunsaday shillin ummaddu leedahay aanu dhaafin isla maalinta shillinka la waayay, taasina waa tii aan u dhaartay. Markaa dakhligu si fiican buu u soo xerroodaa, miisaaniyadduna sir maaha ee waa wax la wada ogyahay, masalan; waxa Haatuf ku soo baxay foojar saddex bilyan oo shillin ah oo uu wasiirkii hore siiyay guddiga doorashooyinka, laakiin marka la soo sawiro waraaq, waxa uu qofka caadiga ahi ka qaadanayaa dareen ah in wax lala baxsanayo. Dakhligu haddii uu hoos u dhaco iyo haddii uu kaco, waa in aanu labadaba ogaanaa sababta.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay qorshihii ay dhawaan ku soo rogeen ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera ee ahaa in la baadho ama fatashaad lagu sameeyo alaabooyinka ay sitaan, wuxuuna yidhi, “Waxaan xusuustaa mar aan Berbera tegay, waxa la furay 8 kartoon oo buskud ah, waxaana laga soo saaray afar iyo labaatan kun oo saacadood, kuwo yidhi waxaan tegayaa Boosaaso, waxaan ku idhi imika tag oo qaado alaabtaada, kuuma baahnine, xuduudda ayaanu dhigaynaa ciidamo koontarabaanka ilaaliya, ummaddanina uma dhimanayso nin waxoogaa Boosaaso la tegay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay ku dhex jiraan gunti-giijis ay ku xoojinayaan ururinta dakhliga, wuxuuna yidhi; “Waxaa noo bilaabmay guristii cashuurta Beriga, waxaanu u yeedhaynaa toddobaadkan ganacsatada waaweyn, waayo, qaar baan afar sannadood bixin cashuurta, qaar baa lix bilyan lagu leeyahay, bakhaaradii oo aan kirada afar sannadood la bixin. Markaa waxaanu doonaynaa in aanu xisaabtano oo aanu ka wada hadalno sidii ay isaga bixin lahaayeen wixii deyn ah ee lagu leeyahay.”

Waxa had iyo goor dhacda in ay mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidanku dib u dhacaan, iyadoo ay mararka qaarkood yeeshaan ilaa laba-saddex bilood oo mushaharah, laakiin wasiirka maaliyadda oo ka hadlaya arintaa ayaa ku micneeyey inay ku timaaddo hawlaha xisaabaadka oo mar-mar dib u dhaca ama dariiqa maamulka ku raag, wuxuuna yidhi “Dib udhaca mushaharka waxa keena xisaabiyayaasha dawladda oo halkii ay masalan shanta bisha ka keeni lahaayeen labaatanka bisha dib ugu dhaca, waxaanuna bixinaa mushahaarooyin badan, hadii aad arki lahaydeen mushaharka aanu ciidamada siino waad yaabaysaan, ta kale way dhacdaa inaanu mar-mar dayn qaadano, waayo ma jirto dawlad aan dayn qaadanini, laakiin dawladdeenu waxay nasiib ku leedahay dakhligeeda iyo kharashkeedu wuu iskeenaa”.

Wasiirku waxa uu ku dooday inuu mustaqbalka ku talo jiro inuu wax ka bedelo xaaladda miisaaniyadda dawladda, isaga oo yidhi “Miisaaniyadda soo socota waxaanu doonaynaa inay noqoto mid rasmiya, oo wax badan la xakameeyo”.

“wixii dhaliilo ah ee wasaaradda maaliyadda ku saabsan waa inaad ii timaadaan oo aad wax iga waydiisaan”.

Dhinaca kale waxa uu wasiirka maaliyaddu wax ka soo hadal qaaday dhinaca siyaasaddda, isaga oo naqdiyey hadalo ay dhowaan yidhaahdeen hogaamiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, Siilaanyo iyo Faysal, wuxuuna yidhi “Maalmahan waxaan arkayey labada gudoomiye ee labada xisbi ee mucaaradka, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe, kuwaas oo ku hadlaya hadalo badan oo aanu u qaadanay deelqaaf ama tah-diib ah. Laakiin waa niman madax ah hadii ay shantan sannadood waayeen, shanta dambeba way heli karaan, markaa waxaan ka codsanayaa inay ka waantoobaan hadalada dadka walaaca iyo niyad-jabka ku abuuraya ama tah-diibta ah, isla markaana maadaama ay niman madax ah yihiin ma fiicna inay u hadlaan sida qofka caadiga ah ee waa inay wixii tallooyin ah noo soo jeediyaan oo aanu sidaa kuwada shaqayno.”

Intaa kadib wasiirka, waxa su’aalo weydiiyay weriyayaasha ka soo qayb-galay shirka Jaraa’id, sidaa darteed waxa ugu horeyn la weydiiyay in ay jiraan iyo in kale niman ganacsato ah oo la sheego in ay badeecadooda dekedda kaga soo qaataan cashuur la’aan, ilaa Itoobiyana aan wax cashuur ah la weydiin, laakiin waxa uu taa kaga jawaabay; “Marka aan si daacad ah idiinku jawaabo, taasi ma jirto oo ma ogi, cashuur-dhaafkana waxaan idhi wasiirka uun baa saxeexi kara, markaa haddii aad ii sheegtaan kuwaa, waxaan ballanqaadayaa inaan wax ka qabashadeedu maanta ila dhaafin.”

Waxa jir warar iyo xogo tilmaamaya in dakhligii soo xerrooday lixdii bilood ee u dambeeyay inta badan uu si miisaaniyadda ka baxsan uga baxay khasnadda dawladda, sidaa darteed mar wasiirka arrintaa la weydiiyay waxa uu yidhi; “Lacagtii soo xerrootay wey ku jirtaa khasnadda dawladda, laakiin dakhliga dawladdu marka uu soo galo, kharashkiina waa jiraa oo ma xakamayn kartid kharash dawladeed, miisaaniyaddana inta badan waxaanu ku bixinaa nabadgelyada, mana yareyn karno kharashka nabadgelyada, waayo; nabadgelyadu waa waxa aynu ku faanno.”

Wasiirka waxa kale oo la weydiiyay in lacago balaayiin gaadhaya khasnadda loogala baxay si aan nidaamka Maaliyadda waafaqsanayn, wuxuuna ku jawaabay; “Ma jirto lacag balaayiin ah oo lala baxay, cid la bixi kartaana ma jirto, rag aad u fiican baa Baanka jooga, ragga wasaarada Maaliyadda joogaana waa rag daacad ah, markaa ma jirto balaayiin lala baxay.”

Marka laga hadlayo meelaha loo qoondeeyay inuu ka soo baxo dakhliga miisaaniyaddu waxa ka mid ah Dekedda Berbera oo ay wasaarada Maaliyaddu ku qoroto dakhli ay ku magacawdo deeq, waxayse wararka Maaliyadda ku saabsani iftiiminayaan in aanu dakhligaasi soo xerroon, laakiin wasiirka Maaliyadda oo su’aal caynkaas ah la weydiiyay, si adag ayuu u difaacay, wuuna beeniyay, isagoo yidhi: “Yaa yidhi waxba kama soo xerroodaan, waan hayaa dakhligii soo xerrooday lixdii bilood ee u dambeeyay, wuu soo xerrooday dakhligii dekeddu.”

Wasiirka waxa kale oo la weydiiyay su’aal ahayd, miyaad diidan tihiin dhaliilaha mucaaridka, wuxuuna ku jawaabay, “Haddii uu KULMIYE iyo UCID mid ku guulaysan lahaa doorashada, xaasha'e laba bilood kuma qiimeeyeen, haddii aan ku qiimeeyana aniga ayaa markaa daacad ahayn, ugu yaraan sannad baan siin lahaa dawladda, markaa waxaan u arkaa in ay yihiin niman aan weli ogaanin inuu tartankii dhammaaday. Taa waxa kale oo aan u arkaa in ay tahay haddii aan kursigayga waayay waxba ma jiraan, laakiin kursiga dalkaa ka weyn, markaa miyaanay ahayn in aad idinku (Weriyayaasha) u sheegtaan, maxaad uga baqaysaan, annagaba waad nagu dhiiran tihiine.”

Dhaliilaha ay had iyo jeer mucaaridku sheegaan waxa ka mid ah, Maamul la’aanta gobollada Bari iyo Maamulka C/laahi Yuusuf ee degaamadaas haysta, sidaa darteed wasiirka mar la weydiiyay in ay dhaliillahaasi yihiin kuwa muuqda oo aan la dafiri karin, waxa uu ku jawaabay; “Ma jiro dal la inaga haystaa, gobollada barina waxa ka jira nin u dhashay oo Maamul kale sheeganaya, hawsha gobollada barina waa la gelayaa, inta aanu sannadkani dhammaan ayuuna maamulku xuduudaha gaadhayaa.”

Top


Baki Iyo Gebilay: Muranka Dhul-Beereedka Xamarta-Hogeed Iyo Mawqifyada Labada Dhinac

Gebilay (Haatuf) – Waxa dhowaan muran la xidhiidha dhul-beereed ku yaal meesha la yidhaahdo Xamarta-hogeed dhexmaray laba qolo oo ka soo kala jeeda degaamada Baki iyo Gebilay, wuxuuna murankaasi markii u horaysay bilaabmay markii ay ilaa lixdameeyo qoys oo ka soo jeeda degaanka Gebilay ay bishii May 2003 isku dayeen inay degaan dhul-beereedka Xamarta-hogeed, iyaga oo sheegay inay halkaa ku lahaayeen dhul-beereedyo ay xiliyadii dagaalada ka soo qaxeen, waxaase ka hor yimi dad degaanka oo diiday inay halkaa degaan.

“Cago-juglayn ayaa naloo geystay, reerihii doonayey inay degaanna waxa lagu khasbay inay meesha ka noqdaan”, sidaa waxa yidhi, C/laahi Cali Xirsi oo ka mid ah odayaasha qolada ka soo jeeda dhinaca degaanka Gebilay, waxaana halkaa ka aloosmay muran, laakiin sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay, Maxamed Xasan maamulka degmada Gebilay ayaa arinta soo dhex-galay, waxaana la isla gartay in labada beelood ee muranku ka dhexeeyo ay qolo waliba ku ekaato halkii ay muranka ka hor joogtay ilaa inta arinta la maarraynayo, iyadoo la sheegay inay xukuumaddu sheegtay inay arinta dhamaynayso, iyadoo ay odayaasha dhinaca degaanka Gebilay ka soo jeedaa sheegeen inay arinta gaadhsiiyeen wasiirka daakhiliga, isla markaana waxa la sheegay inuu wasiirka daakhiligu arintaa maaraynteeda u xilsaaray badhasaabka gobolka Awdal. Hase yeeshee sida la sheegay markii u horaysay ee arinta dib loo bilaabo waxay masuuliyiintii dawladda ee arinta ku jirtay soo jeediyeen inay horta odayaasha labada dhinac khilaafka ka wada hadlaan, oo ay wax iska yidhaahdaan, ka dibna ay waxa ay is yidhaahdaan ay dib u soo celiyaan, laakiin markii ay is horadhiisteen mawqiyo kala fog ayey kala joogsadeen, waxayna qolada dhinaca degaanka Baki ka soo jeedaa tidhi “Hadii aad ogoshihiin in laynoo qaybiyo dhulka ku yaal boodhka Gelin-soor ee mashruuca Kalabaydh, waynu wada hadli karnaa, hadii kale wax wada hadal ah idiin-ma hayno”. Sidoo kale qolada kalena waxay taa kaga jawaabeen “Anagu qoddobkaa idinkala hadli mayno waayo ajandaha inooguma jirin, waxaanuse u soconaa oo aanu doonaynaa inaanu idinkala hadalo 44 beerood oo mulkigayaga ah, kuwaas oo aanu doonayno inaad nooga kacdaan”.

Ka dib markii uu arinku halkaa marayey waxay labada dhinac arinta dib ugu soo celiyeen badhasaabka Awdal iyo masuuliyiintii kale ee hawsha kula jiray, wuxuuna badhasaabku qabtay ballan kale, taas oo muddo 15 cisho ah ka dib ah la isla gartay in arinta la isugu yimaado, mudadaasina waxay ku ekayd 18-kii Ogost, laakiin ilaa hadda lama oga wax laga qabtay, waxayna odayaasha degaanka Gebilay ku andacoodeen inay xukuumaddu wax ka qabashada arinta ka gaabinayso, oo aanay waxba ka soo naasacaddayn, iyaga oo tilmaamay inay arintaasi u baahan tahay in si dhakhso ah wax looga qabto si aanay u murgin.

Meesha la yidhaahdo Xamarta-hogeed waxay qiyaas ilaa 55 KM ah dhinaca waqooyi-bari ka xigtaa magaalada Gebilay, waxayna hore uga tirsanaan jirtay degmada Gebilay, laakiin sannadkii 1984-kii ayaa la hoos-geeyey degmada Baki ee gobolka Awdal.

Marka taa laga yimaado waxa mudooyinkan dambe isa soo tarayay muran iyo ismaandhaaf dhinaca dhulka ah oo ka dhexeeya dadka degaamada galbeedka Somaliland, taas oo ay dhinacyada muranku ka dhexeeyaa qolo waliba dhinaceeda qolada kale ku eedaynayso inay dhul-durugsi waddo.

Top


Dood Ka Aloosan Wakaaladda Biyaha Berbera Iyo Xiisadda Ka Aloosan

Berbera (Haatuf) – 10 qof oo isugu jira shaqaale wakaaladda biyaha Berbera ah iyo dad rayid ah ayaa khamiistii toddobaadkii ina dhaafay xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay isa soo hor-dhoobeen xarunta wakaaladda biyaha, iyaga oo ka cadhaysan warar sheegaya in wakaaladda biyaha Berbera lagu wareejinayo dad gaar ah.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan Casaan waxa ayaamahan-ba oognaa buuq iyo sawaxan ka dhashay ka dib markii ay suuqa soo galeen warar sheegaya in wakaaladda biyaha Berbera laga dhigayo meel gaar loo leeyahay, laakiin dareenkii u horeeyey waxa uu dhashay markii isla toddobaadkan dhinaca Hargeysa laga soo magacaabay laba maareeye-kuxigeen, kuwaas oo kala ah: Maxamed Xasan Arnab oo hore uga mid ahaa hawl-wadeenadii la shaqayn jirtay wakaaladda biyaha iyo hayaddii la yidhaahdo THW, waxaana magacaabista ninkaa loo arkay inay hordhac u tahay qorshe la damacsan yahay in wakaaladda biyaha lagu wareejiyo dad gaar ah. Sidoo kale waxa isla toddobaadkan maareeye-kuxigeen labaad loo soo magacaabay ninka la yidhaahdo, C/raxmaan Dhoolayare oo hore u ahaa maareeye-kuxigeenka wakaaladda biyaha Berbera, hadana dib loo soo magacaabay, waxayna wararku tibaaxeen in labadan maareeye-kuxigen ay labadaba uu xafiiska madaxweyne-kuxigeenku raad ku leeyahay.

Waxaase beryahan dambe isa soo tarayey warar la isla dhex-xulayo oo sheegaya in wakaaladda lagu wareejinayo dad gaar ah, waxaana la leeyahay hayadda la yidhaahdo THW ayaa xukuumadda dhexe cadaadis ku saartay in sidaa la yeelo, iyadoo la sheegay inay jirto lacag gaadhaysa ilaa 1.8 Bilyan doolar oo loogu talo galay in lagu maalgeliyo wakaaladda biyaha Berbera, laakiin waxa la sheegay inaanay qolyaha maalgelinayaa taa aaminayn ilaa wakaaladda biyaha laga dhigo meel madax banaan, balse waxa uu dareenka caynkaas ahi aad u xoogaystay markii la soo magacaabay labadan maareeye-kuxigeen, waxaana Khamiistii isa soo hortubay dad isugu jira shaqaale iyo dadweyne, kuwaas oo mudaharaad halkaa ka sameeyey, ka dibna ilaa tobaneeyo ka mid ah loo taxaabay saldhigga booliska Wadajir, laakiin guddiga nabadgelyada gobolka Saaxil ayaa markii dambe go’aamiyey in xabsiga loo gud-biyo, waxayna hadda ku xidhan yihiin xabsiga dhexe. Hase yeeshee maanta ayaa la filayaa inay maamulka gobolka iyo kuwa degmadu shir arintaa ku saabsan la yeesheen maareeyaha iyo kuxigeenada wakaaladda biyaha.

Top


Laba Orodyahan Oo Reer Somaliland Ah Oo Qalab Isboortis Ku Wareejiyay Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud

Hargeysa (Haatuf) – Laba ciyaaryahan oo u dhashay Somaliland, ayaa shalay 24 biladood iyo laba dersin oo direys ah ku wareejiyay Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland.

Xaflad ballaadan oo munaasibaddaa loo qabtay oo ka dhacday Hodheelka Bile Restaurant, ayay ciyaaryahandani ku wareejiyay xidhiidhka ciyaaraha fudud qalabkan isboortiska.

Laba Orodyahan waxay hore uga ordi jireen dalka gudihiisa, balse waxay imika u ordaan oo ictiraaf ahaan ugu ordaan Naadi ka dhisan dalka Qatar oo la yidhaa Al-Tacaawin.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiska Somaliland iyo Gudoomiyaha Ciyaaraha Fudud, ayaa hadalo koobkooban oo ay xafladaas ka soo jeediyeen kaga waramay marxaladii ay la soo mareen labadan ciyaartoy markii ay dibadda u dirayeen, waxaanu Agaasimuhu yidhi: “Waxaanu aad iyo aad ugu faraxnay markii aanu aragnay midhihii aanu beernay oo noo soo go’ay, taas oo aanu maanta halkan ku hayno,” isla markaana wuxuu u mahad celiyay tababare Xasan Maxamed Axmed oo isagu iskii u tababaray dhallintaa da’yarta ah.

Top


Ciyaar Saaxiibtinimo Oo Dhexmartay Gaashaan Hargeysa Iyo Goodir Boorama

Hargeysa (Haatuf) – Ciyaar Saaxiibtinimo ayaa maalintii Jimcihii toddobaadkii ina dhaafay ku dhexmartay garoonka Timacadde ee Magaalada Hargeysa labada kooxood ee kubadda Koleyga Gaashaan Hargeysa iyo kooxda Goodir oo ka socotay magaalada Boorama.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan, dadweyne aad u tiro-badanina ka soo qaybgaleen, waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaag aad u raali geliyay daawadayaasha, iyadoo ay labada kooxood ku dedaalayay in ay guusha iyagu la hoyday, balse qaybtii hore ciyaarta waxa hogaanka ciyaarta haysay kooxda Gaashaan Hargeysa oo ku hogaaminaysa 35 dhibcood, halka ay kooxda Goodir Booramana ka lahayd 25 dhibcood.

Qaybtii dambe ciyaarta, waxay ciyaartoyda labada kooxood isugu soo noqdeen iyadoo aan xamaasadi ka muuqato, walow aan hogaanka lagala wareegin kooxda Gaashaan haddana, ciyaartoyda kooxda Goodir waxay isku dayeen in ay iska caabiyaan, geba-gebadii ciyaartuna waxay ku dhammaatay guul ay kooxda Gaashaan Hargeysa 61-4 9 dhibcood kaga guulaysatay kooxdii martida u ahayd ee Goodir Boorama.

Top


CNN-Ta Oo Qiimeyn Ku Samaysay Ciyaaryahanada Kubadda Cagta Ee Adduunka

Hay`adda wararka ee CNN ee dalka Maraykanka ayaa qiimayn ku sameysay ciyaaryahanada caalamka ugu wanaagsanaa horyaalkii 2002-03, iyadoo qiimaynta noocan ah oo ah tii saddexaad ee la sameeyo ayaa waxaa loo kala qiimeeyaa goolhaye, Difaac, khadka dhexe iyo weeraryahan.

Ciyaartoyda dalka Talyaaniga ayaa iyagu goor walba lagu tilmaamaa ciyaartoyda ugu fiican dhinaca difaaca dunida, taas oo ay kuu caddeynayso qiimayntan oo ay ka noqdeen difaacii ugu wanaagsanaa horyaalkan, kaas oo ah Poalo Maldini oo isagu u ciyaara kooxda AC Milan, isla markaana ragga ku xigay waxa ka mid ahaa; Roberto Carlos oo laga soo qaatay kooxda Real Madrid, halka kooxda Juventus goolhayaheedu noqday goolhayaha ugu wanaagsanaa, kaas oo ah goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Buffon.

Dhinaca weeraryahanada ama gooldhaliyayaasha, waxaa sanadkan ugu wanaagsanaa labada gooldhaliye ee reer Holland Van Nistelrooy oo ciyaaraha kooxda Manchester United iyo Roy Makaay.

Dhinaca khadka dhexe waxaa markii saddexaad loo doortay ciyaaryahanka Faransiiska ah ee xulka Faransiiska iyo naadiga Real Madrid, Zinedine Zidane, isagoo noqday ciyaartoyga keliya ee saddexdii jeer ee la sameeyey qiimayntan soo wada galay.

Ciyaayahanada kale ee loo doortay kuwii ugu wanaagsanaa ee sanadkan waxaa ka mid ahaa, Pavel Nedved (Juventus), Robert Pirez (Arsenal) iyo Andres De`Alesandro (River Plate).

Top


Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoydii Xulka Qaranka Ee Sierra Leone Oo Finland Iska Dhiibay

Helsinki (W. Wararka) – Ugu yaraan 13 ciyaartoy iyo hal qof oo ka tirsan gudiga xulka qaranka kubadda cagta ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sannadood ee dalka Sierra Leone, ayaa ku dhex dhuuntay dalka Finland, waxaanay ciyaartoydaasi ka soo xaadiri waayey garoonka dayuuradaha oo ay diyaar ku ahayd diyaaraddii u qaadi lahayd dalkooda, kadib markii ay ka qayb-galeen Tartanka koobka Qaramada Adduunka ee ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 17-ka sannadood, kuna hadheen wareega labaad ee tartankan.

Kooxdan oo markii hore ku timid wefdi dhan 28 qof oo isugu jira ciyaartoy iyo guddi ayaa waxaa garoonka ka soo xaadiray oo dalkoodii ku laabtay 14 qof, taas oo walaac ku dhalisay Masuuliyiinta dalka Finland.

Nin u hadlay ciidamada booliska dalka Finland ayaa sheegay in saddex ka mid ah ciyaartoydani ay qaxootinimo weydiisteen dalka Finland, arrintooduna u taalo waaxda socdaalka ee dalkan, isla markaana waxa uu sheegay in qaar ka tirsan ciyaartoydan lagu sheegay magaalo madaxda dalka ee Helsinki oo ka duwan magaaladii lagu soo dejiyey ciyaartoyda dalka Sierra Leone oo ah magaalo ku taalla koonfurta dalka Finland oo la yidhaa Lahti.

Ciyaartoydan la la’yahay ayaan sidan wax baasabooro ah, maadaama ay baasabooradooda hayeen guddidii la socotay, kuwaas oo iyagu ku laabtay dalkoodii, sidoo kalena may haysan lacag ku filan oo ay ku noolaadaan muddo dheer, taas oo ay aad uga werwersan tahay xukuumadda dalka Finland.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah, waxa ku kaca ciyaartoyda iyo mas’uuliyiinta wadamada ay ka taliyaan kaligood taliyayaasha iyo kuwa dagaaladu aafeeyeen, kuwaas oo iyagoo markoodii horeba raadinayey fursad ay kaga baxaan dalkooda, arrintanina ma aha mid inagu cusub, waxaynuna ka wada dheregsan nahay dhacdadii ay kooxdii Madbacadda Qaranka ee Soomaaliya ka sameeyeen dalka Kenya magaalada madaxdiisa Nairobi sanadkii 1989 kii, taas oo ay isku dayeen in ay magangalyo siyaasadeed weydiistaan dawladda Kenya, balse markii la fashiliyay isku daygaas dib loogu celiyey Soomaaliya.

Top


Tartankii 9 Aad Ee Ciyaaraha Fudud Ee Adduunka Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Paris (W. Wararka) – Subaxnimadii Sabtidii dorraad ayaa waxa si si rasmi ah uga fumay garoonka weyn ee Stade de France ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska tartankii ciyaaraha fudud ee adduunka oo ay si aad ah u sugayeen ciyaartoyda ka soo qaybgashay iyo waliba dadweyne aad u fara badan kuna kala nool dacalada dunida.

Garoonkan dhulkiisa oo lagu sharaxay saddex midab oo kala duwan, kuwaas oo ka tarjumaya saddexda ciyaarood ee aasaaska u ah ciyaaraha fudud ee kala ah orodka, boodada iyo tuuryada, isla markaana waxaa ka dul lalmanayay garoonka calamada 210-ka dawladood ee ka soo qaybgalay tartankan.

Ma aha markii ugu horeysay ee Garoonkan lagu qabto tartan caalami ah, waxaana hore loogu qabtay furitaankii ciyaarihii kubadda cagta ee adduunka ee 1998-kii iyo waliba tartankii kubadda tenista dheer ee loo yaqaan France Grand Slam oo uu marti galiyey sannadkii 2002.

Tartankan oo socon doona muddo sagaal maalmood ah, iyadoo la filayo in lagu jebin doono dhawr rikoodh oo u yaalay tartamada kala duwan ee ciyaaraha fudud.

Sabtidii oo ahayd maalintii ugu horeysa ee tartankan, ayaa waxaa biladdii ugu horeysay ee dahabka ahayd ku guulaystay orodyahanka Jafferson Perez oo u dhashay dalka Ecuador ee laatiin Ameerika, isla markaana jebiyey rikoodhkii u yaalay socodka dheer ee loo yaqaan (29 km Walk), ciyaaryahankan oo noqday ninkii ugu horeeyey ee jebiya rikoodh tartankan tan iyo markii uu jebiyey rikoodhka orodyahanka caanka ah ee reer Maraykan Micheal Johnson 1999.

Perez ayaa ku socday socodkan dheer waqti dhan Saacad, 17 daqiiqo iyo 39 ilbidhiqsi, halka uu biladdii qalinka ahayd ku guulaystay ninkii isagu hore u haystay rikoodhka adduunka Francisco Fernandez oo u dhashay dalka Spain, biladdii sadexaadna ee Maarta ahaydna waxaa ku guulaystay Roman Rasskazov oo u dhashay dalka Ruushka.

Dhinaca kale, waxaa biladdii ugu horeysay ee orodada tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka ku guulaystay gabadh itoobiyaan ah oo magaceeda la yidhaahdo Berhane Adere, taas oo ku oroday orodka 10,000m (Tobanka kun ee mitir) waqti dhan 30 daqiiqo iyo 4.18 seken, waxaanay taasi ka dhigtay gabadhan gabadhii saddexaad ee ugu waqtiga fiicnayd taariikhda orodkan.

Orodyahanaddii hore horyaalka adduunka u haysatay oo iyaduna u dhalatay dalka Itoobiya, ayaa ka baxday orodka markii uu ku dhawaa kala badhka, taas oo lagu macneeyey xanuun hore u hayey oo ay ka qaaday cuno ay ku sumowday, waxaase kaalinta labaad gashay gabadh kale oo reer itoobiya ah laguna magacaabo Werknesh Kidane halka ay kaalinta saddexaad gashay gabadh reer China ah oo la yidhaa Yingjie Sun.

Dhinaca kale, shalay ayaa Orodyahanka Kenenisa Bekele oo ah orodyahan u dhashay dalka Itoobiya ku guulaystay bilada dahabka ah ee orodka 10,000 Mitir ee adduunka.

Orodyahankan, ayaa intii uu socday orodkani aan marnaba u ogolaan inuu ka fogaado ninkii isagu caanka ahaa ee orodkan 10,000m haysan jiray Gebrselassie oo isaguna u dhashay isla dalkaas, waxaanu xawaare ku dhaafay markii orodka dhammaadkiisa uu ka hadhsanaa wax ka yar 300 mitir.

Gebrselassie ayaa is xarago leh isaguna ku guulaystay kaalinta labaad, halka uu Sileshi Sileni oo isna u dhashay Itoobiya dhammaystiray biladihii orodkan oo ay Itoobiya wada qaaday, kadib markii uu isna kaalinta saddexaad soo galay.

Tartamada ciyaaraha fudud ayey had iyo goor orodyahanada reer Itoobiya iyo Kenya ka dhigaan wacdaro, badiyaana iyagu ku guulaystaan, taas oo ay magac iyo maamuus ugu soo jiidaan guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaana dalalkooda ay metelayaan.

Top


Gunners Oo Si Raaxo Leh 4-0 Kaga Guuleystay Middlesborough

Kooxda Arsenal ayaa dhaqankeedii mar kale soo celisay, kadib markii si raaxo leh uga badiyeen kooxda Middlesbrough.

Saddex gool oo 22-kii daqiiqadood ee ugu horeeyay dhaliyeen kooxda Gunners-ku ayaa ciyaartoyda Arsene Wenger u diray inay guul kala hoydaan garoon Riverside Stadium.

Weeraryahanka Thiery Henry ayaa goolka koowaad u saxeexay Gunners-ka daqiiqadii 5aad ee ciyaarta, ka hor intii aanay Gilberto Silva iyo Sylvain Wiltord dhallin laba gool daqiiqadihii 13aad iyo 22aad, waxaanay qaybtii hore ku dhammaatay 3-0.

Sylvain Wiltord ayaa soo khatimay goolasha Gunners-ka, kadib markii uu daqiiqadii 60aad goolkii afraad u saxeexay kooxdiisa.

Dhinaca kale, kooxda Manchester United, ayaa sii wada bilowga wanaagsan ee ay ku bilowday ciyaaraha tartanka horyaalka Ingiriiska xilli-ciyaareedkan, waxaanay sabtidii dorraad 2-1 ku suul-daartay kooxda Newcastle, balse waxa guushooda wax u yar dhimay, kadib markii tababaraha kooxda Man United, Alex Ferguson ficil cadho leh ka muujiyay khalad uu ciyaartoyga Andy O’Brien ku galay Ryan Giggs, kadib markii kubad loo soo tuuray oo meel cidla ah uu ku sugnaa difaacyahanku si cad khalad ugu galay, taas oo macnaheedu ahayd in kaadhka cas loo taago, laakiin garsoorihii ciyaarta Uriah Rennie u amray in ciyaartu socoto, taas oo ku keliftay in Alex Ferguson cannaan iyo cabasho cadho leh ugu tago garsoorihii afraad, kaas oo kadibna u yeedhay garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay, waxaanu garsooruhu ciqaab ahaan ka dalbaday Alex inuu garoon gudihiisa ka baxo.

Daqiiqado kadib, kooxda martida loo ahaa ayaa hormartay ciyaarta, kadib markii ay kooxda Newcastle heshay laad xor ah, markii kubad uu gacanta ku dhuftay Scholes. Laurent Robert ayaa kubada karoosay, waxaanay gacanta ku dhigay oo darbad madaxa ah ku muquuniyay Alan Shearer.

Kooxda Horyaalka ahaa ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta la soo gashay dhammaan hubkeedii, waxaanay khasabtay in Van Nistelrooy dhaliyo goolkii barbardhaca, kadib markii uu kubad baas ah ka helay ciyaartoyga weyn ee Roy Keane. Dhawr daqiiqadood ka dibna, Keane waxa uu kubad u soo karoosay Scholes, kaas oo shabaqa ku hubsaday goolkii labaad ee kooxdiisu ku hormartay, ciyaartuna waxay ku soo geba-gebawday in Manchester United 2-1 kaga adkaato Newcastle.

Dhinaca kale, xiddiga reer Roomaaniya Adrian Mutu, oo ay kooxda Chelsea ku soo iibsatay 15.8 milyan oo giniga Ingiriiska ah, ayaa u dabaal-degay inuu gool u dhaliyo markii ugu horeysay ee uu u safto kooxdan Chelsea tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda Parma, goolkaas oo uu dhaliyay dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaarta (daqiiqadii 45aad), iyadoo taasi muujinayso faraqa labada kooxood u dhexeeya.

Kooxda Chelsea waxay ciyaarta hormartay kadib laba daqiiqadood oo keliya markii ay ciyaartu socotay, kaas oo uu ciyaartoyga kooxda Liecester khadka dhex uga ciyaara eeLilian Nalis gool ku dhaliyay kooxdiisa Liecester, balse Jamie Scowcroft ayaa gool barbardhac ay ku keeneen Liecester u dhaliyay daqiiqadii 39-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea, Geremi ayaa daqiiqadii 67aad ciyaarta laga saaray oo kaadh cas la siiyay, isla markaana kooxda Liecester ayaa ciyaarta ku dhamaysatay 9-ciyaartoy, kadib markii ciyaartoyda Alan Rogers iyo Riccardo Scimeca laga saaray ciyaarta daqiiqadihii 84aad iyo 88aad.

Walow, ay ciyaartoyda kooxda Chelsea ay si adag ku badbaadiyeen guushaas, haddana tani waxay u ahayd Mulkiilaha cusub ee kooxda Roman Abramovich soo dhawayn wanaagsan oo garoonka Stamford Bridge.

Ciyaaryahanka reer Argentina Hernan Crespo, ayaa ciyaartan ka daawanayay tarabuunka garoonka, waxaana la filayaa isniinta maanta inuu heshiis la galo kooxda Chelsea, isla markaana uu buuxiyo kaalinta weerarka oo ay naaqus ka dareemayso kooxdu.

Ciyaarihii Sabtidii dhacay
Bolton 2-2 Blacburn
Everton 3-1 Fulham
Man City 1-1 Portsmouth
Southampton 0-0 Birmingham
Tottenham 2-1 Leads United
Wolves 0-4 Charlton
Ciyaarihii Axadii dhacay
Aston Villa 0-Liverpool

Top