Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 405 August 26, 2003

Haweenka Somaliland Oo Baaq U Jeediyay Beesha Caalamka

Wiil Soomaaliyeed Oo Bakhtiyaanasiib Ku Helay 415 Kun Oo Dollar

Meeraha Mariikh (MARS) Oo Muddo Tubanaan Kun Oo Sannadood Ah Markii U Horeysay Cawa Istaagaya Masaafadi Ugu Dhawayd Dhulka

“Waxaad Moodaa Inay Dawladda Somaliland Inay 13 Sannadood Garran La’dahay Cudurka Haya Beelaha Bariga , Laakiin…”

Aroos wacan

Culayo (Maanso)

Dad Ka Soo Firxaday Djibouti Oo Duruufo Adag Ku Jooga Boorama

“Qofka Ka Soo Horjeesta Hadafka Xisbiga UDUB Waxaa Jira Sharci Lala Tiigsado Iyo Anshax-Marin,” Gudd. UDUB Ee Gabilay

44 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Laxaad Leh Oo Gilgilay Magaalada Bombay

Ciidamada Maraykanka Oo Raad Guraya Saddaam Xuseen

Muran Ka Dhex Aloosmay Iiraan Iyo Dalalka Britain Iyo Argentina

Dadweynaha Rwanda Oo U Dareeray Doorashada Madaxtinimada

Carruur Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaal Australia

Riyaha iyo xikmadda dhaqanka

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas

Kooxda Zimba Ee Reer Tanzania Oo Si Lama Filaan Ah U Garaacday ASEC Abidjan

3 Dal Oo Koonfurta Ameerika Ah Iyo Spain Oo Isugu Hadhay Semi-Final-Ka Koobka Adduunka Dhallinyarada 17-Jirka Ah


Haweenka Somaliland Oo Baaq U Jeediyay Beesha Caalamka

Hargeysa (Haatuf) – Haweenka Somaliland, ayaa shalay baaq ku waajahan shirka Kenya u jeediyay beesha Caalamka, iyaga oo baaqoodaa ku sheegay in aanay Somaliland qayb ka ahayn qorshayaasha dib u heshiisiinta kooxaha iyo beelaha Soomaliya, isla markaana beesha caalamka uga digay in ay isku xidhaan qadiyadda Somaliland iyo shirarka dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Haweenka Somaliland, waxay baaqooda ku soo bandhigeen kulan saxaafadeed ay ku qabteen Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana kulankaa ka soo qayb-galay hogaamiyeyaasha ururrada haweenka Somaliland, waxayna baaqooda u kala direen ururrada caalamiga ah, urur-goboleedyada iyo dawladaha adduunka.

Xubnaha kulan saxaafadeedkaas ka hadlay, waxa ka mid ahaa Samsam Cabdi Aadan, Aamina Yuusuf Aar iyo Sucaad Cabdi Ibraahim. Laakiin waxa baaqaa madasha ka akhriday Sucaad Ibraahim Cabdi, wuxuuna u qornaa sidan:

“Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dhalatay 1960, waxay timid isu-tagii labada wadan ee la kala odhan jiray British Somaliland iyo Italian Soomaaliya oo madaxbanaanidoodii qaatay 26-kii Juun iyo 1-dii Julay 1960.Somaliland waxay u hurtey xornimadeedii qaaliga ahayd si ay u hirgasho Soomaaliweyn, taas oo ka koobnaa; Somaliland, Soomaaliya, Djibouti oo Faransiisku gumeysan jiray, Soomaali galbeed oo kililka shanaad ee maanta Itoobiya ah iyo NFD oo ku hoos jirtay Kiiniya.

Laakiin Somaliland waxaa loogu abaal-guday dil iyo xasuuq aan taariikhda Soomaaliyeed hore u soo marin. Halgan hubaysnaa oo qaatay muddo toban sannadood ka badneyd kadib, Somaliland waxay la soo noqotay xornimadeedii.

Intii ay Somaliland xornimadeedii dib ula soo noqotay waxa u qabsoomay:

Waxaa la dhaqan galiyay lana adkeeyay nabadgelyadii, iyadoo isla markaana la dhisay nidaam dawladeed oo dimuqraadiyad ku dhisan.
Waxaa la hirgeliyay codbixinta dastuurka Somaliland May 2001, taas oo 97% dadweynuhu ay ku aqbaleen dastuurka.

Waxaa la hirgeliyay doorashadii golayaasha deegaanka December 2002-dii, taas oo ay ku tartameen lix xisbi qaran.

In la qabtay doorashada Madaxweynaha April 2003.

Intaa haddii aan hordhac ka dhigano, waxaanu aaminsan nahay in aanay Madaxbanaanida Somaliland ahayn wax dib looga noqonayo ama gorgortan geli kara. Somaliland cina laa geli karto nidaam federaal, qaybna ka ah wada-hadallada ka socda dalka Kiiniya, kuwaas oo u gaar ah Soomaaliya.

Haddaba, mowqifka Somaliland wa sidan: Xornimada Somaliland ma laha gorgortan. Somaliland wax dawlad ah oo federaal and co federaal in aanay dib ula samaysan doonin xataa haddii ay dawlad ka sameysanto kooxaha tirada badan ee dagaal oogayaasha Soomaaliya.

Haddaba, annaga oo ah haween-weynaha Somaliland, Waxaan u rajeynaynaa walaalahayaga Soomaaliyeed in ay ku guuleystaan dedaalkooda ay ugu raadinayaan nabad dadkooda, kuwaas oo laba iyo tobankii sannadood ee ugu dambeeyay ku jiray dagaalo dhexdooda ah. Shirkani waa kii shan iyo tobnaad ee loo qabto kooxaha Soomaaliya muddo laba iyo toban sannadood gudahood.

Waxaanu si cad u cambaareynaynaa mowqifka laba wajiileynta ah, kaas oo si is-daba-joog ah loogu wiiqayo madax-banaanida Somaliland ee ay ugu raadinayaan sidii loogu heli lahaa nabadda daba dheeraatay ee Soomaaliya, isla markaana ay ka gaabsatay in ay u fidiso aqoonsi siyaasi ah Somaliland, iyadoo soo hoysay guulo fara badan oo muujinaya in ay Somaliland u qalanto aqoonsigaas.

Waxaanu si cad oo mugdi ku jirin u muujinaynaa in aanaan intaa in ka badan ka aamusnaan karin cadaalad darada iyo hagardaamada ay beesha caalamku ku hayso dadka Somaliland.

Waxaanu si cad uga dalbeynaa beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyinka ku haboon oo ay ku saxayaan cadaalad darada taagan.

Somaliland waxay u qalantaa aqoonsiga beesha caalamka haddii uu adduunku yahay mid u taagan cadaalad iyo hufnaan.

Hogaamiye kooxeedyada iyo dagaal-oogayaasha koonfurta Soomaaliya, waxa loo qabanayay shirar dib u heshiineed laba iyo toban sannadood ee ugu dambeeyay. Waxay ogsoon yihiin inaanay weligood nabad gaadhayn, waayo ma doonayaan nabad. Uma baahna inay u dhoofaan wadan ajnabi ah, si ay nabad u dhaliyaan, nabad waxay ku keeni karaan wadankooda gudahiisa. Waxay ka faa’iidaysanayaan niyadsamida iyo wanaaga beesha caalamka ee maaha dad ay nabad-raadintu ka dhab tahay. Waxay yihiin dalxiisayaal ku dheefaya silica iyo saxariirka dadkooda.

Waxaanu uga digeynaa beesha caalamka in ay arrinta Somaliland ku xidhaan shirarka dib-u-heshiisiinta ma dhaleyska ah ee loo qabanayay Soomaaliya 12-kii sannadood ee ugu dambeeyay.

Waxaanu beesha caalamka ka codsanaynaa in ay arrinta Somaliland, si cadaaladi ku dheehan tahay u eegaan, tallaabooyinka kala gudboon-na ka qaadaan.”

Top


Wiil Soomaaliyeed Oo Bakhtiyaanasiib Ku Helay 415 Kun Oo Dollar

Wiil Soomaaliyeed oo magaciisa la yidhaahdo Shariif Haashim Axmed oo ka mid ah dadka ku nool qaaradda Yurub, ayaa ku guulaystay lacag bakhtiyaanasiib ah oo cadadkeedu yahay 415, 000 US Dollar.

Wiilkaas oo ku jira xero qaxooti oo ku taal dalka Norway, wuxuu halkaa joogay muddo laba sannadood ah, laakiin sannadkan ayuu helay sharciga dalkaas, kadibna wuxuu warqad ka soo qaatay meel boos ah, waxaana warqaddaa ku qornaa inuu helay lacagta kor ku xusan, waxayna warqaddaasi timid dalka Spain, laakiin Shariif intii aanu sharciga helin ee uu xerada qaxootiga sharciga ku sugayay ayuu ciyaar bakhtiyaanasiib ah oo lacag lagu kala helayo ka qayb-galay, isaga oo ciyaartaa khadka Internet-ka kala xidhiidhay, waxayna ciyaartaasi ka socotay dalka Spain.

Shariif Haashim mar la weydiiyay sida uu lacagtaa u gelayo, waxa uu sheegay inuu shirkad ganacsi furan doono, gurina uu dhisan doono.

Top


Meeraha Mariikh (MARS) Oo Muddo Tubanaan Kun Oo Sannadood Ah Markii U Horeysay Cawa Istaagaya Masaafadi Ugu Dhawayd Dhulka

Los Angeles, USA (CNN) – Meeraha la yidhaahdo Mariikh (Mars) ayaa muddo tobanaan kun oo sannadood ah markii ugu horeysay isa soo taagaya ama imanaya masaafadii ugu dhawayd dhulka 27-ka bishan August ee aynu ku jirno oo ku beegan caawa oo Arbaci soo gelayso, wuxuuna maalintaa eegayaa ama waajahayaa Qoraxda.

Sida ay sheegtay Daraasad lagu sameeyay meeraha Mariikh, waxa Meerahaas Mariikh uu habeenkaas oo dhan ka muuqan doonaa ama laga arki doonaa dhulka, isla markaana waxa uu soo bixi doonaa marka ay qoraxdu dhacdo, waxaanu dhici doonaa marka ay qoraxdu soo baxdo, laakiin meeraha Mariikh waxa uu habeenkaa masaafadda dhulka ugu dhow joogsan doonaa marka ay saacaddu tahay 5:51 (GMT) oo u dhiganka 8:51 habeenimo wakhtiga Somaliland, isagoo dhulka u soo jirsan doona masaafad gaadhaysa 55,756,800 Km (Shan iyo konton milyan, toddoba boqol iyo lix iyo konton kun, sideed boqol oo kiiloo mitir).

Saynisyahan aqoon u leh qoraxda iyo meerayaasha oo ka tirsan Machadka la yidhaahdo Jet Population ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu habeenkaas muuqaalkiisu noqon doono mid weyn oo si fiican loo arko marka loo eego muuqaalkiisa wakhtiyadii hadda ka horeeyay, sidaa awgeedna waxaa dhulka si fiican loogaga daawan karaa muuqaal meerahaas tiliskoobyada ama diiradaha meel dhexaadka ah, kuwaas oo aad ku arki karto qaybo ka mid ah lakabyada uu ka samaysan yahay meerahaasi.

Waxaa xusid mudan in ay hay’adda meerayaasha iyo dayax-gacmeedada qaabilsan ee la yidhaahdo NASA ay hore ugu dirtay laba dayac-gacmeed si ay u daah-furaan meeraha Mariikh, iyadoo ku talo-jirta in ay mid saddexaad u dirto laba sannadood ee foodda inagu soo haya gudahooda.

Dhinaca kale sannadkii 1998-kii ay dawladda Jabaan isku dayday in ay u dirto meeraha Mariikh dayax-gacmeed, laakiin waxaa waajahday dhibaato farsammo, taas oo u saamixi in ay dhammaystirto hawl-galka ku wareegista meerahaas. Hase yeeshee halgalkan oo ku kacay 800 malyuun oo doollarka Maraykanka ma ahayn kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laysku dayo in lagu daah-furo meeraha Mariikh. Sidaa awgeed Wakaalada NASA ilaa 12 jeer ayay isku dayday in ay gaadho meerahaas, laakiin sadex ka mid ah isku-dayadaas ay ku doonaysay inay ku gaadho meerahaas ayay ku guulaysatay inay gaadhaan halkaas, balse ilaa hadda marna kuma ay guulaysan in ay ku dul degto meerahaas Mariikh.

Meeraha la yidhaahdo Mars ama Mariikh, waxa weeye meeraha afraad marka laga soo tiriyo dhinaca qoraxda, isla markaana waa waxa uu ku xigaa meeraha dhulka oo dhinaca qoraxda ka xiga, wuxuuna meeraha Mars leeyahay muuqaal casaan. Sidaa awgeed, meerayaasha marka dhinaca qoraxda laga soo tiriyo, meeraha koowaad waa Mercury, ka labaadna waa Venus, ka saddexaadna waa dhulka (Earth), meeraha afraadna waa Mars (Mariikh), halka meeraha shanaadna yahay Jupiter, sidoo kale meeraha lixaad Saturn, halka meeraha toddobaadna yahay Uranes, sidoo kale meeraha sideedaad waa Neptune iyo meeraha sagaalaad oo ah Pluto.

Top


“Waxaad Moodaa Inay Dawladda Somaliland Inay 13 Sannadood Garran La’dahay Cudurka Haya Beelaha Bariga , Laakiin…”

Burco (Haatuf) – Xasan Faarax Jaamac (Xasan-geerash) oo ah taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee saldhigga Laas-caanood oo hadda fadhiya Caynaba ayaa tilmaamo ka bixiyey xaaladda gobolka Sool iyo sida uu u arko lagu soo af-jari karo qaddiyadda bariga Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay sababaha uu aaminsan yahay inay u soo af-jarmi la’dahay mushkiladda siyaasadeed ee bariga Somaliland, wuxuuna Xasan-geerash sidaa ku sheegay waraysi uu dhowaan magaalada Burco kula yeeshay weriye Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan, laakiin Xasan-Geerash waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa la yaab leh sababta ay xukuumadda Somaliland mudada 13 sannadood ah u garran la’dahay cudurka haya beelaha Hartiga ee degaamada bariga Somaliland, laakiin anigu xog-ogaal baan u ahay ummadda degaamada bariga Somaliland”.

Laakiin Xasan-geerash isaga oo tilmaamaya sababaha ay u soo afjarmi la’adahay arinta bariga Somaliland waxa uu yidhi “Sababaha ay xaaladda bariga Somaliland la sal-dhigi la’dahay waxa ka mid ah: Xaaladda dawladda Somaliland ee bariga Somaliland iyo dawladaha safka kaga jira arimaha dalkii la odhan jiray Somaliya, kuwaas oo aan odhan karo arinta bariga Somaliland lug ayey ku leeyihiin, waayo waa la ogyahay taariikhiya xuduudaha Somaliland iyo inuu ahaa dal xoriyadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska 1960-kii, dabadeedna iyadoo taa la ogyahay ayaanay hayadaha caalamiga ah iyo dawladaha aduunku ka hadlin soo gelidda C/laahi Yuusuf ee bariga Somaliland, taasina waxay u muuqataa inay ku lug leeyihiin arinta. Ta labaad waxa bariga Somaliland gacanta kula jira C/laahi Yuusuf, inta uu C/laahi Yuusuf bariga Somaliland gacanta kula jirana rajo lagama qabo inay beelaha bariga Somaliland mawqif midaysan ku heshiiyaan, waayo C/laahi Yuusuf ayaa lugta ku walaaqaya oo aan ogolayn inay dadka halkaa degani wax la qabsadaan dadkooda iyo dalkooda, waxaana xaqiiq ah inuu C/laahi Yuusuf ummadda halkaa degan qori la hortaagan tahay, waxayna ummadaasi u qaybsameen laba qaybood oo ay qaybi taageersan tahay C/laahi Yuusuf, qaybina taageersan tahay Somaliland, labadaa qolona waxay ku dagaalamayaan inay qolo waliba hanato taageerada shacabka, C/laahi Yuusuf-na dadka taageersan waxa uu siiyaa dhaqaale iyo saanad milateri oo badan, iyadoo uu mushaharka uu ciidamada siiyaa laba jibbaar ka badan yahay mushaharka ciidamada Somaliland, waxayna taasi ciidamada C/laahi Yuusuf u suurta gelisay inay meel walba xoog ku gallaan, iyaga oo aan cidna talo waydiin”.

Xasan-Geerash isaga oo tilmaamaya taladiisa ku waajahan sida wax looga qabanayo xaaladda bariga Somaliland wuxuu yidhi “Maadaama ay dawladda Somaliland inbadan doonaysay inay arinta bariga Somaliland nabad lagu xaliyo, laakiin waxa la yidhi marka aad waxaad doonayso waydo waxa aad ka fursan-waydo ayaa la yeelaa, maantana nabadda waxa diidan C/laahi Yuusuf, waxaanse leeyahay hadii aan C/laahi Yuusuf iyo ciidamadiisa laga saarin xadka Somaliland ma jirto rajo kale oo meesha ka muuqataa”.

Intaa ka dib waxa Xasan-geerash la waydiiyey sababta ciidamada looga soo raray Laas-caanood, wuxuuna yidhi “Gobolka intii hore anaga ayaa gacanta ku haynay oo Puntland waxba kama ay ahayn, waxayse ka faa’iidaysteen intii nalaga soo saaray , iminkana waxaanu ku talo jirnaa inaanu ka saarno maamulka C/laahi Yuusuf”.

Xasan-geerash waxa uu intaa ku daray “Sida uu C/laahi Yuusuf isugu soo habeeyey ee uu isugu soo daray ayaan sidoo kale dhinaca Somaliland-na ka rajaynayaa inay ciidamada isugu darto oo ay ciidamo habaysani meesha go’aan ku galaan, hadii sidaa la yeelona iyadoo aan dagaal dhicin ayey ciidamada C/laahi Yuusuf meesha ka baxayaan”.

Xasan-geerash mar la waydiiyey su’aal ahayd “Waxa la sheegay inay ciidamadaadu labada dhinac-ba (Somaliland & Puntland) mushahar ka qaataan, taasi ma jirtaa”, wuxuuna taa kaga jawaabay “Walaahay arintaa waxaan ku arkay joornaalka Haatuf, mana jirto, waxaanuna u arkaa arin dacaayad ah, ciidamadaasina waa ciidamo daacad u ah jiritaanka Somaliland, qofkuna hadii aanu mab-da’ lahayn marna meesha uu doono ayuu qaban lahaa, markaa ciddii waxaa qabtaa ha iska dayso”.

Xasan-geerash waxa uu sheegay inay ciidamada Somaliland ee Caynaba degani duruufo badani haystaan, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Ciidankan waxa la aasaasay 1999-kii, sannadkaa ilaa sannadkan 2003 hal mar oo qudha ayaa la siiyey dirays, dawladdana inbadan ayaanu ka codsanay in ciidamada la isku dhafo, laakiin iminka waxaanu rajaynaynaa inay ciidamadani gobolka ku noqon doonaan iyaga oo dhisan”.

Xasan-Geerash mar la waydiiyey jawaabtii madaxweynaha ee ahayd arinta bariga Somaliland waa wax sahlan, wuxuuna taa ka yidhi “ Horta madaxweynuhu isaga ayaa dalka u madax ah, waxaana laga yaabaa inuu isagu ogyahay arin kale oo ka weyn ta bariga, laakiin anigu arinta bariga Somaliland uma arko wax sahlan, waayo dalka badhkii ayey cid kale haysataa, oo ilaa madaxweynaha ayaa inta lagu soo duulay laga saaray dalkiisii, markaa maadaama dalkii badh la haysto waxaan u arkaa inay qaranimadii dhan-taallan tahay”. Laakiin Xasan-Geerash waxa ugu dambayn la waydiiyey sida uu u arko in wax looga qaban karo arinta murugsan ee gobolka Sool iyo guud ahaan bariga Somaliland, wuxuuna ku jawaabay “Waxaad moodaa inaan arinta gobolka Sool si qoto-dheer loo deyin, waxaana la yidhaahdaa Hartiga Somaliland dhinacna ma aha, laakiin dadku waa dad reer Somaliland, balse mushkiladdu waa C/laahi Yuusuf iyo kooxihiisa, taasna waxay dawadeedu tahay , iyadoo gobolka si dhab ah looga hawl-galo oo ay hayadaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba gobolka ka hawl-galaan iyo dadka gobolkaa oo dantooda garta oo ka baxa dhalanteedka C/laahi Yuusuf, waxa la yidhaahdaa bahalka dhuugga la yidhaahdaa geedaha ma cuno, dadkana uma ogolaado, iminka C/laahi Yuusuf dadkana wax uma qabto, inay wax qabsadaana uma ogola, wuxuuna ku maslaxdaa isir iyo qabyaalad, laakiin anigu waxaan qabaa in sida qudha ee wax lagaga qaban karo bariga Somaliland inay tahay C/laahi Yuusuf oo laga saaro dhamaan xuduudka Somaliland”.

Top


Aroos wacan

Ibraahim Yuusuf Cali iyo xaaskiisa, Cabdi yuusuf Cali iyo xaaskiisa, Maxamad Axmed Ibraahim iyo Xaaskiisa, Maxamad Batuun Geele iyo xaaskiisa, axmed Cabdi Ibraahim, Farxaan Cabdi Muuse.

Dhamaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mawliid Yoonis Dhidar
Iyo Nimco Cabdi Dheeg Oo 15kii bishan ku aqal galay magaalada Hargeysa waxaanay leeyihiin noqda kuwii isku waara ee ubad khayrqaba kala hela. Aamiin, Aamiin.

Top


Culayo (Maanso)

Waa maanso ku saabsan calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay ka sheekaynaysaa midabbada kala geddisan ee lagu xardhay calankeenna ee uu ka kooban yahay. Maansadan waxaa curiyey abwaan Khadar Macallin Qaasin (Seattle, Washington). Waxay soo baxday 18-kii May, sannadkii 2002. Waxay tidhi:

Gabayga qaar curintiisu                Casrad bay ka gashaayoo
Ma helaan cilinkiisa                      Darna shaaha bor-cawlkiyo
Calow buu ka noqdaayoo            Way caqiibo dilaane
Ragna way canjilaane                   Kaygu waa cambaruudoo
Sida caanaha geela                       Yuu cunaa u maraayoo
Markaan Ceeg iyo Shiikh iyo        Cadan hees uga qaadobay
Cushaaqiinta dhammaan iyo           Hablihii casrigayga
Cammow xaaddu kacdaayoo        Sida ciidal Udxiiyoo
Carrafaat muslimiintu                     Casarkii tukanayso bay
Golahaan ka cayaaro                     Isa soo cammiraane
Bal aan maanso cuddoon oo          Calankeenna ku saabsan
Carbiyo oon qac ka siiyo e            Haddaan ceelka dar jiidho
Ama caynku i jiito ood                  Caajistaan burqadkayga
Ama ay caddo loolka                    Calaashaan kulankeenna
Farxad ooydo calooshuyoo           Codku soo bixi waayo
Rashiid Shiikh Cabdillaahiyow       Dadkan jooga caweyska
Cafis iiga war geeyoo                    Cammow raalli ahaada.

Cosobshayoo iska dhaafaye          Calanyow quruxdaadiyo
Caynba cayn midabkaagani           Waa cajiibal cajaa’iboo
Ciyowdaan isha saaray bay           Cadka meel ugu tiil iyo
Curuuqdii i dhaqaaqdayoo             Cindigaan ka jeclaystay
Cilmiga looga dan leeyay                Inaan caawa xuskeennan
Ku faalleeyo cabbaare                    Haddii aan cabbiraadda
Cawajoon malahayga                     Cidla foodda u saaro
Amase aan candadowlo                  Rashiid Shiikh Cabdillaahiyow
Culimadii hindisootay                      Cafis iiga war geeyoo
Cammow raalli ahaada.

Cosobshayoo iska dhaafaye            Calanyow halgankaaga iyo
Cadow kaa dhicintaada                   Ilaa gaalkii caddaa iyo
Coomaaddihii ka dambeeyey iyo     Cammaqaaddii sokeeye
Wixii ciidan ku hoobtay,                  Wixii caarre gadoodiyo
Curyaan diifi ku raagtiyo                  Halyey ciil la gadhoodhiyo
Madi reer ku curteen iyo                  Hablo aad canab mooddiyo
Cadrad aan laga maarmin                Nafta ciidda u quudhay,
Wixii caar is fideeyay ee                  Cidi aanay ogayn iyo
Caallinkii Siikh Bashiire ay               Casho huugga sudheen iyo
Cabdigii lagu toogtay                       Carrabkuu dhaqdhaqaajiyo
Cali Dheeriyo Moogiyo                    Lixlihii caanka ahaa iyo
Cabdillaahi Suldaankii                      Caawa kuu gabyi laa iyo
Cumdihii ina Saalaxee                       Caynaanka kuu qaban laa iyo
Intaad Caaqil ku weydaye Uu           Cigaal u dambeeyey
Kii taariikhda ku caynshayoow         Ciriq dhiig ka darrooriyo
“CASAAN”-kaagu xusuus buu        Cawaalow metelaa.

Cosobshay oo iska dhaafaye            Iyadoo is cunaysa oo
Ay colaadi ku raagtay oo                  Reerba reer cidhib gooyay oo
Cudurkiisa qabiilka iyo                     Cuqdad lays mari waayay
Cirka kii ka hillaacaye                       Markuu caadda ka muuqday
Gacalkii kala caagay                         Isu soo ciddi jiidaye
Calaacalaa isu saarayow                   Nabad aynu ku ceeshniyo
“CADDAAN”-kaagu ammaan buu   Cawaalow metelaa.

Cosobshayoo iska dhaafaye             Iyada oo cawareertay oo
Jiilaal caadhka na saaray oo             Cuudku uu daranyoobay oo
Dhirtu ay cadanyootay oo                Harraad laysku ciqaabay oo
Cunaa luunku na gooyay                  Hogoshii dirir cawle
Curatay ee nagu hoortayee              Carrigoo dhan ku baahdayow
Xareeddoo calcalyowdiyo “CAGAAR”-kaagu barwaaquu
Cawaalow metelaa.

Cosobshay oo iska dhaafaye            Caddeydii gudcurowdaye
Iyadoo carcartii lehoo                       Cusub oon toban gaadhin oo
Cir buluug ah ku taalla oo                  Aad cadceed subax moodid oo
Cishqigu joogo qanjaa oo                 Kalgacayl cifanaysa
Ciyow fiid u dhawaaqaye                 Cagta uun wax gujeene
Soomaalidii calalowdaye                   Isticmaarku calaashaye
Shanta cuun kala geeyay                   Isu soo celi maagtaye
Lixdankii ka carceertaye                  Calafkeedu u diiday
Is baxnaani cashooyine                    Carartay ee Xamar aaddaye
Caymihii N.F.D. iyo                         Iyada oon Carta gaadhin
Cutubkii u horreeyey                       Ceelgaab ay ka heleeney
Ku curdayn dhadhiyeeneey              Waayihii kugu ciiray
Is ciil kaambi dartii iyo                     Cakuyey filanwaaga
Waadigaa culayoobay oo                Kuwii ceebta sameeyay
Cuqubo aad u dhitaysiyo                 Calaamuu “MADOW”-gaagu
Cawaalow metelaa.

Cosobshayoo iska dhaafaye          Calankay ehlul-diinkiyo
Cuurka awliyadeenniyo                 Khad qoyaanta carruurtiyo
Calmadeen ummahaadkuyow       Cayn Siin Qaafta Quraankiyo
Cashar baa kugu weedhanoo        Tawxiidkaa cindallaahi
Laguu siiyey calaamadoo              Caddayntaada qoraalkuna
Casiis kownimadiisiyo                   Rasuulkeenna Carfoon iyo
(Sallallaahu Caleyhi Wa calaa ehlul-bayti)
Caqiidadeenna “ISLAAM”-kuu Cawaalow metelaa.

Top


Dad Ka Soo Firxaday Djibouti Oo Duruufo Adag Ku Jooga Boorama

BOorama, (Haatuf) Tobannaan qof oo aan ogeyn inay u dhasheen Soomaaliland iyo inay u dhasheen dalal kale kuna  noolaa dalka Jabuuti ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyey kusoo qulqulayey Boorama,iyagoo sida la sheegay ka cabsi qaba in ciidamada Jabuuti waxyeelo u geystaan naftooda iyo hantidoodaba marka uu dhammaado wakhti loo  qabtay inay dalkaa kaga baxaan, dadka aan u dhalan Jamhuuriyaddaasi aan jaarka nahay ama aan haysan sharci ay ku joogaan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha Haatuf ee Boorama Maxamad Cumar Dhinaca kale magaalada Boorama ayaa waxa si halhaleel iyo kala daadsanaani ku jirto uga ambabaxaya tobonnaan  qof iyo qoysas u dhashay Jabduuti ama haysta sharciga dalkaasi  si ay uga gaadhaan wakhtigaasi dadka kale lagasoo saarayo .

Mar uu wariyuhu shalay tagey Istaanka gaadiidka u baxa  Jabuuti ee Boorama ayaa waxaan  arkay tobaannaan qof oo istaankaasi ku sugaya gaadiidka Landcruiserda ah  oo aan joogin goobtaasi.Dadkan oo ka mid ahaa dadkii ugu tirada badnaa ee Jabuuti kasoo gala Boorama wakhtiga kuleylaha ah inta la xusuusanyahay ,ayaa iyaga laftooda waxa Booraama ka haysta dhibaatooyin aanay ku talogelin oo la xidhiidha gaadiidkaasi oo intay lacago ka badan 200,000 oo soomaaliland shilin ka qaataan haddana kaga tega istaankasi ama dhexda la fadhiista maadaama gaadiidkaasi yaryari yihiin kuwa qaarkood aanad ku aamnini karin naftaada iska daa dumar  iyo caruur eh maadaama ay duugoobeen.Waxa taa kasii daran cidhiidhiga naxariis darrada ah ee ay kaariyiinta iyo darawalada jooga goobta laga raacaa ku hayaan shacbigaasi oo ay leeyihiin ama raac ama joog waxayna reer Jabuutiga istaanka joogay qaarkood aaminsanyihiin inaanu jirin sharci  darawalka iyo kaariga u diidaya sida xun ee ay rakaabka ula dhaqmaan iyagoo qaatay lacag .Dhinaca kale walaac badan ayaa haysta dadka reer Boorama ee ku nool Jabuuti  kaddib markii Boorama la keenay nin si xun  loo garaacay oo isagoo dhaawac culus ahna la keenay Boorama. Inkastoo aanay qoyskiisu ka bixin wax faallo ah ,waxay wararku sheegeyaan in ninka  oo la yidhaa Indhacase dhaawaacyada ka muuqday ahaayeen kuwa aad u xun.

Mar uu wariyuhu tegey guri uu jiifay oo dumar badani ag dhoobnaayeen axa qudha oo ay hadal hayeen inuu ladanyahay marka loo eego xaaladdii jabuuti lagaga keenay. Dadka socotada  ku imanaya Boorama ee uu wariyuhu la kulmay ayaa qaarkood u sheegeen inay cabsiyi ka jirto Jabuuti taasoo dadka ku nool ee reer Boorama ah ee aan sharciga ku joogini halis ugu jiraan dhibaato kasoo gaadha dawladda Jabuuti  ciidankeeda marka uu dhammaado wakhti la sheegay in gebi ahaanba lasoo raafi doono dadka ku nool dalkaasi.

Ilaa imika dad badan oo kasoo degey gaadiidka ka yimaadda Jabuuti ayaa gaafwareegeya suuqyada Boorama kuwaasoo aan la garanayn haybtooda kuna hadlaya luuqado kala duwan sida af Oromaha, ka reer xamarka, carabiga, af xabashiga  iyo afaf kale oo aanan la garanayn. Dadkaasi waxay in badan oo ka mid ahi Boorama uga sii gudbaan magaalada Jigjiga.

Ugu dambayntiina xaaladda dadka ku noqonaya ama ka imanaya Jabuuti ee labada dhinac ee soohdinta isaga gudbaya  ayaa loo baahanyahay in xukuumadda Soomaaliland ka warhayso haddii ay u dhasheen dalka iyo haddii ay dalkale u dhasheenba oo dhibaato kala soo deristo imaatinkooda dalka.

Top


“Qofka Ka Soo Horjeesta Hadafka Xisbiga UDUB Waxaa Jira Sharci Lala Tiigsado Iyo Anshax-Marin,” Gudd. UDUB Ee Gabilay

Gebilay (Haatuf) – “Arrintaasi inta badan waa dacaayad, laakiin xildhibaanada intooda badan waanu iswaafaqsanahay, marka laga reebo laba xil-dhibaan oo naga xidhiidh furtay”, sidaa waxa yidhi ninka gudoomiyaha ka ah xafiiska UDUB ee degmada Gebilay, Cismaan Miiggane Suldaan oo uu weriyaha Haatuf ee Gebilay Maxamed Xasan dhowaan ka waraystay, iyadoo uu gudoomiyaha UDUB ee Gebilay ku dooday inuu xafiiskiisu yahay meel shaqaysa, laakiin isaga oo tilmaamaya waxa uu xafiiskiisu hadda qabto iyo kulamo uu isugu yeedhay xubnaha golaha degaanka ka galay UDUB waxa uu yidhi “Dhawr goor oo kala fog-fog ayaanu isugu yeedhnay xubnaha UDUB ee golaha degaanka, waxaanuna ka wada hadlaynay sidii aanu u wada shaqayn lahayn iyo sidii aanu u fulin lahayn ballanqaadyadii xisbiga iyo xildhibaanada UDUB u qaadeen bulshada”, laakiin waxa la sheegay inay mudanayaasha qaarkood diideen yeedhmadaa oo aanay shirkaa iman, wuxuuse Cismaan Miiggane taa kaga jawaabay “Arintaa inteeda badani waa dacaayad, laakiin xildhibaanada intooda badan waanu iswaafaqsanahay, marka laga reebo laba xildhibaan oo iyagu si gaar ah uga xidhiidh furtay xafiiska UDUB, kuwaas oo aan iman kulamadayada, waxaana u arkaa ninka nacay xisbigii laga soo doortay inaanu garanayn waajibaadkii saarnaa, ninka xisbigii uu ka soo baxay diidanina waa nin kursiga uu ku fadhiyo nacay, xubinta iyadoo UDUB ka soo baxday, hadana ka soo horjeeda ujeedooyinka iyo hadaka xisbiga waxa uu xisbigu leeyahay sharci lala tiigsado iyo anshax la mariyo, kursigana qofku ma laha ee xisbiga ayaa leh”. Laakiin gudoomiyuhu wuu ka gaabsaday inuu magacaabo labadan xubnood ee uu ku tilmaamay inay ka soo horjeesteen hawlaha iyo mabaadi’da xisbiga.

Top


44 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Laxaad Leh Oo Gilgilay Magaalada Bombay

Bombay (W.wararka) ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintayi laa 100 kalena way ku dhaawacmeen markii Qarax weyni uu maalintii shalay ka dhacay magaalada xarunta ganacsiga u ah dalka Hindiya.

Qaraxyada mid ka mid ah waxaa uu ka dhacay meel ku dhow taalo taariikhi ka ah dalka Hindiya, oo inta badan soo jiidata dadka Dalxiisayaasha ah.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in qaraxa xoogiisu uu dadka qaar ku tuuray badda.Qaraxa kale ayaa isna waxaa uu ka dhacay meel ku dhow macbad ay Hindugu leeyihiin oo ku dhow meel suuqa oo ku yaala magaalada Mumbai.
Booliisku waxay sheegayaan qaraxyadu inay ka dhasheen waxyaabaha qarxa oo lagu soo qariyay baabuur Taxi ah.Cid sheegatay ilaa iyo hada ma jirto in ay ka danbeysay qaraxyadaas.

Dhanka kale, Dowladda Hindiya dariska la ah oo ay iska soo jorjeedaan ee Pakistan ayaa canbaareysay weerarada iyada oo ku sheegtay in ay ahaayeen falal aragagixiso.

Top


Ciidamada Maraykanka Oo Raad Guraya Saddaam Xuseen

Baqdaad (W.wararka) masuuliyiin ka tirsan ciidamada maraykanka ee ku sugan Ciraaq ayaa sheegay inay haatan raad gurayaan oo ku daba jiraan Sadaam Xuseen oo firxad ahaa tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii April ee ina dhaaftay,waxaanay intaa ku dareen inay ku warheleen in Sadaam Xuseen uu saacad saacad ugu kala wareego guryo uu ku dhuumaalaysanay balse ay haatan xaaladiisu cidhiidhi tahay, markii dhawaanahan la qabqabtay qaar qaraabadiisa ah waxaanay muujiyeen rajo ah in ay haatan intii hore ka dhawdahay qabashadiisu.

Dhinaca kale Jimciyadda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa yarayneysa shaqaalihii ka joogey waddanka Ciraaq ka dib markii ay heleen hanjabaadyo loo direy.

Jimciyadda Laanqeyrta Cas laanteeda Baqdaad ayaa waxa ay heshey digniino loogu sheegey in weeraro lala beegsan doono dhawaan.
Waxa Jimciyadda Laanqeyrta Cas ay Baqdaad ku reebi doontaa ilaa 50 qof oo ka mid ah shaqaalaheeda, iyadoo inta kale ka saari doonta Ciraaq.
Afhayeenka Laanqeyrta Cas ayaa sheegey in tallaabada ay qaadeen lagu khasbey. Waxa ay afhayeenka Laanqeyrta Cas ay tidhi, "in heerka rabshadaha ee ka socday Baqdaad uu yahay mid aad u sareeya".

Waxa kale oo Afhayeenka Laanqeyrta Cas sheegtey "in masuuliinta Mareykanku ayna wada ilaalin karin ammaanka waddanka oo dhan.

Laanqeyrta Cas ee Caalmigu waxa ay sheegtey in ay heshey hanjabaad guud oo aan ahayn digniiin si gaar ah iyaga loogu direy.
Sidaas oo ay tahay waxa ay dhimayaan shaqaalihii ka joogey Ciraaq iyagoo ku soo reebaya 50 qof oo kaliya.

Waxaana jira shaki isa soo taraya oo ku saabsan in hawshii lagu qarxiyey xarunta QM ay ku leedahay Baqdaad ay tahay wax ku siman fal ay geysteen taageerayaasha Madaxweynihii xukunka laga ridey Saddam Hussein, waxaana la maleenayaa in ay jiraan dad kale oo qaraxaasi ku lug lahaa.

Ninka ay Mareykanku u xilsaareen maamulka Ciraaq, Paul Bremer ayaa sheegey in ajaanibka ku soo qulqulaya Ciraaq ay tahay muskilad soo weynaaneysa.

Waxa kale oo soo baxaya cadeymo ka marag kacaya in ay jiraan xiisado soo kordhaya oo ku saabsan iska soo horjeed la xidhiidha siyaasadda gudaha ee Ciraaq.

Waddaad diineed oo Shiica ah oo dadka ka wacdiya Xarun Muslimeed oo ku taal magaalda Najaf ayaa isagana weerar lala beegsadey. Saddex ka mid ah ilaaladiisa yaa weerakaas lagu dilay.

Waxa loo maleenayaa in weerarkaasi uu qeyb ka yahay oo uu salka ku hayo dagaal siyaasadeed oo bulshada Siicadu ay ugu jirto awood qabsashada.

Top


Muran Ka Dhex Aloosmay Iiraan Iyo Dalalka Britain Iyo Argentina

Tehran (W.wararka) Madaxweynaha Iiraan, Khatami ayaa dowladda Britain ka codsadey in ay raali galin ka bixiso qabashad lagu xidhey nin diblomaasi u ahaan jirey Iiran oo Britain lagu xidhey.

Isagoo ka hadleya idaacadda dowladdu leedhay ee Tehran ayuu Madaxweyne Khatami sheegey in sida ay dowladda Britain ula dhaqantey Mr Soleimanpur ay tahay mid aan la aqbali karin oo laga xumaado.

Mr Khatami waxa uu intaas ku darey in ay jiraan dad ujeedooyin leh oo si qarsoodi ah uga shaqeenaya sidii ay Iiraan cadaadis ugu saari lahaayeen iyagoo adeegsanaya been iyo eedeymo aan sal iyo baar toonalaheyn.

Waxa uu dowladda Britain ugu yeedhey in ay joojiso dad la dhaqanka aan hagaagsaneyn oo ay raali galin ka bixiso ficilkeeda.

Dowladda Iiraan si xanaaq ku jiro ayey uga jawaabtey xadhiga Mr Soleimanpur. Wakiilka Siyaasadda ee British-ka waxa loo sheegey in qadiyaddan maxkamadeed iyo xadhigga la xidhey Mr Soleimanpour ay ahayd wax siyaasadi ka dambeyso oo ay soo agaasintey dowladda Yuhuuddu.
Waxa diblomaasiga Britishka la weydiistey in uu amro, in si deg deg ah loo siidaayo diblomaasigaas hore ee reer Iiraan.

Xaddi Soleimanpour ayaa Jimcihii magaalada London lagu soo saarey maxkamad, taas oo la xidhiidha kiis ku saabsan qarax loo geystey daar ku taal Buenos Aires oo xarun u ahayd bulsahada Yuhuudda ee halkaas joogtey, sanadkii 1994tii, qaraxaas oo ay waagaas ku dhinteen 85 qof.
Waxa Mr Soleimanpour lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa qorshihii qaraxaas uuna ahaa awooddii ka dambeysey ee amartey qarxinta iyo in uu isagu baxiyey wararka ku saabsan meesha ay ku taal daarta la qarxiyey iyo wakhtigii qaraxa la qaadey.

Xadhigga Mr Soleimanpour waxa uu Tehran ka kaciyey duufaanno warbaahineed iyadoo jariidad leh afkaar mayal adag oo u janjeedha dhinaca midig ay ku baaqdey in Safiirka Britain la ceydhiyo.
Weli ma kala cadda inta khilaafaadka siyaasadeed ee dhinacyadan dhex yaal uu gaadhi karo.

Xidhiidhka Iiraan iyo Britain weligii ma ahayn mid fudud,laakiin sanooyinkan dambe waxa soo if baxayey calaamado muujinaya in cilaaqaadkoodu soo wanaagsanaanayo.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Britain, Jack Straw afar jeer ayuu Iiraan booqdey labadii sano ee la soo dhaafey, waxaana jira iskaashi isa soo taraya oo labada waddan ay ka leeyihiin mowduucyada ay ka midka yihiin Afghanistan iyo la dagaalanka ka ganacsiga mukhaadaraadka.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in xidhiidhkaas soo fiicnaanayey, uu haatan u muuqdo mid ay khatari ku soo foolleedahay.

Waxaanu murankani sii xoogeystey dhinaca siyaasada ee dhexyaaley saddexda waddan ee Britain iyo Aregentine oo isku dhan ah iyo Iiraan oo ka soo horjeedda labadaasi dal Waxaana murankaas uu dhashey ka dib markii wakiilada siyaasadda ee Britain iyo Argentine ka jooga Iiraan looga yeedhey Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Tehran, iyadoo ay Iriaan u dhiibtey saraakiishaasi cabasho ay kaga cabaneyso in Britain lagu xidhey nin hadda ka hor Iiraan safiir uga ahaan jirey waddanka Argentine.

Sida laga soo xigtey wakaaladda wararka ee Iiraan ee IRNA, waxa wakiilka siyaasadda ee Argentine loo sheegey in dawladdiisu ay masuul ka noqon doonto dhammaan cawaaqibka sharciyadeed iyo midka siyaasadeed ee ka soo baxa xukunkaas.

Top


Dadweynaha Rwanda Oo U Dareeray Doorashada Madaxtinimada

Kigali (W.wararka) Shalay ayaa dadka reer Rwanda waxa ay u dareereen goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan Madaxweyne, ka dib markii muddo sagaal sanadood ay xukumeysey dawlad ku meel gaadh ahi.

Doorashadani waxa ay leedahay dhowr sifooyin oo xiisa leh. Sagaal sanadood oo kaliya ayaa laga joogaa markii ay xubno ka tirsan qabiilka Hutuuga ee Rwanda u badani ay isku dayeen in ay tirtiraan Tutsiga laga badan yahay iyagoo adeegsanaya xasuuqii naxtinta lahaa ee 1994tii.
Waxa taariikh leh haddaba, in waxaas dhacey ka dib uu maanta doorashada u taaganyahay Mr Paul Kigame oo ah Tutsi, ahna ninka ay u badan tahay in la doorto.

Ma jiro cid ka shakisan in uu doorashadan uu ku badinayo Paul Kigame. Haddii la doortana waxa uu noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Tutsi ah ee Rwanda loo doorto tan iyo markii ay Rwanda qaadatey gobonimadeeda sanadkii 1962dii.

Waxa kale oo iyaduna xusid mudan, doorashadani waa tii ugu horeysey ee dadka reer Rwanda ay fursad u helaan in ay ugu codeeyaan musharaxyo ka badan hal qof oo isugu jira musharxiin ka kala socda xukuumadda iyo mucaaradkaba.

Ilaa intii ka horeysey markii ay dhimashadiisu ay sababtey xasuuqii 1994tii, madaxweynihii hore ee Rwanda, Habrimana waxa uu horey u qabtey dhowr doorasho oo dadku u dareereen in ay madaxweyne ku doortaan, laakiin warqadda wax lagu dooranayo waxa ku ooli jirey magaciisa oo kaliya, qofkii dooran waayana waxa uu halis ugu jirey in la xidho.

Sidaas darteed warqadda maanta musharxiinta lagu kala xulanayo waxa ay shicibka Rwanda u tallaabineysa adduun cusub.

Taageerayaasha mucaaradka ugu weyn musharaxiinta kale, Faustin Twagiramungu ayaa ka cabanayaa in dowladdu ay ku heyso handadaad iyo caga jugleyn, laakiin dawladdu waxa ay Twagirmungu ku eedeyneysaa in uu ka shaqeynayo kala qeybin uu qabiil u adeegsanayo.

Taas oo ah eedeyn dambi weyn ku ah waddan ay si xun hore ugu dilootey niceyb qabiilnimo.

Top


Carruur Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaal Australia

Maxkamad ku taala Australia ayaa siideysey caruur magangalyo siyaasadeed dalbatey oo laba sanadood xabsi lagu hayey.

Siyaasadda ku saleysan in caruurta la xidho ee ay dowladda Australia ku dhaqanto ayaa ahayd wax aad loogu qeybsamey waddankaas.
Caruurta laga hadlayo qadiyaddan oo kala ahaa saddex gabdhood oo da'doodu u dhexeyso shan, sagaal iyo kow iyo toban iyo laba wiil oo kala jira 13 iyo 15 sanadood ayaa xabsiga lagu hayey muddo laba sanadood ah.

Maxkamadda qoyska ee Australia ayaa xukun ku bixisey amar ah in Caruurtaas ay sii hayaan reer jooga magaalada koonfurta ku taal ee Adelaide, ilaa inta xukun kama dambeys ah laga gaadhayo kiiskooda.

Xukunkani waxa uu burinayaa xukun ka horeeyey oo bishii June lagu gooyey in ay sharci darro tahay in caruurtaas xabsi, si daa'im ah loogu hayo, laakiin waxa kale oo xukunkaas bayaanshey in caruurtaas waalidkood laga reebo ayna dani ugu jirin.

Top


Riyaha iyo xikmadda dhaqanka

Nin baa lagu yidhi “Waar naga aamus waxyahow hooyadii Rida laga bixiyey ayaa taa kaga jawaabay “Taa rag ka heshii”.

Ta kale reerku marka uu caydhoobo waxa uu inta badan xoolaha dib uga sarcaa riyaha, waayo marka hore Riyuhu xoolaha kale way dal qabadsan yihiin (dhul-daaqista), waayo Riyuhu waa xoolaha meel kasta ama degaankasta lagu dhaqan karo, hadii ay tahay miyi iyo hadii ay magaalo tahayba, isla markaana xoolaha kale way naaxi ogyihiin, waxaadna arkaysaa Riyo mudhuxsan oo uu jiilaalkii dhogorta ka xayuubiyey, laakiin marka ay waxoogaa yar oo naq (doog) ah daaqaan markiiba way naaxaan, waxaana fuusha dhogor cad, oo caanahooda la lulayo.
Riyuhu inta badan way cunaan geedkasta oo ka mid ah dhirta ay xooluhu daaqaan, isla markaana way ka tarran badan yihiin xoolaha kale, waayo riyuhu markiiba way curtaan (Dhalaan), waxayna Somalidu Riyaha naanaystaa “Fil ma suga”, taas oo loola jeedo inay riyuhu xoolaha kale ka hordhalaan.

Beri baa waxa jirtay wiil yar oo abbaydin ah (aan naaska hooyadii jiqin), wiilkaas yar waxa loo lisi jiray geela, laakiin geelu maalintii oo dhan guriga waa ka maqan yahay oo wuu daaq tagaa, wuxuuna soo hoydaa hebeenkii, dabadeedna ninka wiilka dhalay marka uu geelu guriga ku soo dhow yahay ayuu maqli jiray wiilkii yaraa ee abbaydinka ahaa oo ooyaya, balse maalintii dambe ayey Riyi dhicisay, ka dibna irmaanaatay, waxaana Ridii loo lisay wiilkii yaraa ee abbaydinka ahaa, wuxuuna gaajo beelaa fiid hore, wuuna joojiyey oohintii, ka dibna ninkii geela soo carraabin jiray ayaa habeenkii dambe maqli waayey oohintii wiilka yar, dabadeedna waxa uu yidhi “Wiilkii maxaa caawa helay oohintiisa maan maqale”, waxaana loogu jawaabay “Waxa loo lisay ceesaan xilatay (dhicisay)”, markaas ayuu ninkii yidhi “ma ceesaan xillatay baa iga war roonaatay”.

Riyuhu way u nugul-yihiin qabowga iyo dhaxanta. “Wiiha-wiihooy belayn weedh qubay oo kaag wii-sii”ayaa riyaha loogu heesaa, sidoo kale waxa loogu heesaa “Qaroofeey orgigu meel qadhoon li’yo quwaax kugu leged”.
Beri baa la yidhi iyadoo ay tahay xili colaadeed xun ayaa waxa beel degan loo soo sheegay col ku soo maqan oo duulaan ku soo ah goor habeenimo ah, waxaase beesha jooga saddex wax oo qaylo badan, kuwaas oo kala ah: dameer qaylo badan, orgi qaylo badan iyo naag qaylo badan.
Dabadeedna markii colkii la soo sheegay ayaa la yidhi nin walowba aamusii waxaaga qaylada badan, ka dibna labadii nin ee uu midna dameerka qayliya lahaa, midna naagta qaylisa lahaa waxa uu mid waliba helay tab uu wixiisa ku aamusiiyo, laakiin ninkii orgiga lahaa ayaa orgigii waxa uu hoos-geliyey Kebed qoyan , ka dibna orgigii baa mooday inuu roob hayo oo aamusay, sidaas ayaan lagu maqlin wax qaylo ah oo ay beeshii ku werwer beeshay ileyn hadii ay qaylo jirto werwer lalama seexdeene.

Waxa jira gabay ka hadlaya riyaha, kaas oo la isku barbar dhigayo xiliga barwaaqada iyo xiliga jiilaalk faraqa u dhexeeya xaaladda rida, waxaana gabaygaa lagu yidhi “Alalaaska Ridu waa intuu ubaxu joogaaye, marse hadii Aljays lagu sallido kuma orgoodaane”.

Ta kale marka laga hadlayo labka xoolaha iyo dadka waxa la yidhaahdaa, qaar waxay ka qooqaan sabarka (caloosha), taas oo macneheedu yahay waxay qooqaan marka ay caloosha cunto ugu jirto, sida Wanka iyo ninka, sidoo kale qaarna waxa la yidhaahdaa waxay ku qooqaan barwaaqada sida, Awrka iyo Faraska. Sidoo kale qaarna waa xili qooq oo waxa uu qooqoodu ku xidhan yahay xili, sida xiliga dab-shidka la yidhaahdo oo kale, kuwaasna waxa ka mid ah Dibiga iyo Orgiga.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas

Dalka nimanka joogow
Wuxuu dumarku leeyahay,
Annagaa idin dihanoo
Idin daadahaynoo
Dusha idinku qaadnaye,
Marka aanu damaciyo
Dan siyaasadeed iyo
La nimaadno dookh kale,
Maxaa diririg jaaniyo
Dafdafiyo wareeriyo
Idin baday dayaankee,
Diinta ugu or-orodaan.

RAADYOW MAQALOOCSHE
A. A. Garas

Halkani waa Raadyow ma qaloocshe oo aydin ka macmiilataan mawjadaha kaftan kuuska iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq dhuubka.

Dhegaystayaashayada dhafoorada god-godannaw, waxaynu soo gaadhnay cagidii aan warka idinku asqaysiin jiray, waxaana maanta la xagaa-bixi doona weriye Mr. Dhaqan-doon.

Warkii oo kambadhuudha.

Gabadh bilis xaawalay ah oo reer Burco ka ah, ayaa badheedh u sheegtay in ay boqornimo u bugto, balse waxa naga qaadimaysid ku yidhi rag yaw boqornimada ka ganacsada. Gabadhaas oo la sheegay in ay boqor doonimada Biridhaaniya uga timi ayaa reer Burco buuq kaga sanqadhisay, taas oo dadku sidii xisbiyada ugu kala qaybsameen.

Afadaas oo aanan afka la gaadhin ayaa war ay cayntaarisay ku sheegtay in nooca boqornimada ay u bugtaa uu yahay boqor xaawalay, taas oo sheegtay in ay doonayso in naagagga Shankaroonland oo dhan ay boqorrad u noqoto, isla markaana wax dhex ka kaajaba waxba ka doonaynin.

Dad badan oo boqornimada u yaqaana xoolo rag leeyahay, ayaa yidhi, “Ruuxan dumari damaacisanaa, boqornimada inan ragba isku gaadhi waayay, ayaa dumar islaameed u dudayaan.”

Qaar kale ayaa iyana yidhi; “Waar bi’iwaaye inanta halla qorno, ingiriisba wuxuu inagu dhaafay boqorrad la’aanta, beri hore ayaaba dalkaba la ictiraafi lahaaye.”

Qaar kale ayaa iyana ku dooday inaan kutubku ogolayn afo amuurahaas noqota.

Haydh tuulaha Burco ayaa sheegay inuu ka baqo-qabo in boqorradu nabadda xaynka ku qaado.

Afadaas oo ilaa alaan loo kala saari la’ yahay inay awliyo tahay iyo inay Arraweelo tahay, walow wareysi uu wiil hercii la yidhaa shalay ku haylhaylay ku cadaysay in aanay doonayn Arraweelo istayl, laakiin ay u bugto waxa la yidhaa boqor istaragshan. Bil amaara bilista laanta.

Su’aalihii ruuxaa dumarka la weydiiyay waxa ka mid ahayd; malaga yaabaa intaa boqorrada Ingiriiska ee aqalka faaqday ku jirta aad aragtay iska xiisootay oo boqornimada isaga bukootay? Waxay ku jawaabtay; “Oo miyaanad ogayn in aan ina caaqil yare ahay oo boqorradan Ingiriiska eed sheegaysaba ka sareeyo. Ogoreey, aniga oo gabadhaad garanayso ah oo reer Shankaroon ah oo Burco jooga miyay igaadhi kartaa habar Ingiriis oo iglan joogtaa.”

Su’aal ahayd “Xageed ku aragtay dunida meel ay ka jiraan Boqor nimanyow iyo boqorad naagayow?”

Waxay tidhi; “Imikaanu samaynaynaa.”

Oo maxaad damacday in dumarkii iyo raggii reer Shankaroon ee horeba isula il daraa ee NGO-yadu isku hubeeyeen ee sibinaaradu isku direen ee is dilay ee dalaaqda iyo meherka isla dhacay ee dirqi ku heshiiyay ayaad adiguna doonaysaa inaad sii kala qaybiso oo hogaamiye kooxeed haween noqoto?

“Maya, maya, anigu sidaas ma doonayo. Dumarka imikuna waaba madax sare, Edna iyo Faadumo waa kuwaas ministarada noqdaye ma dumariyo rag bay isku direen.”

Gabadhaas lama su’aalin Edna iyo Faadumo, Riyaale ayaa u madax ah oo naga qabanayee, adiga yaa ku qabanaya lays qabsado.

Si kasta ha ahaatee, ruuxan dumar ah oo ah bilistii ugu horeysay ee bahashan boqornimada la yidhaahdo hunguraysa, taas oo ilaa imika aan caleenta lagu caawin, taas oo ragga qaar ka cadhoodeen. Laakiin, anigu aan odhan lahaa waar caleeni wax gabadh loo diido maahee ha lagu daadsho, hadday wax u tarayso. Hadday doonayso inay dumarka boqorrad u noqoto ha laga dhigo, waayo waaba loo baahan yahay boqorrad looga ashkatoodo dumarka qaadleyda ah iyo caasha qushida. Haba boqornaatee waa inay wax ka qabataa mashaariicda iyo dhibaatooyinka haweenku ku dhaqmaan oo kala ah; mashruuca mukurka, mashruuca masayrka, ka bacayska iyo buufis borojekti oo arlada fara ba’an ku haya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (MMPPP).

WAASHIKAN

Dhallinyaro dhaanto xer ah oo reer Shankaroon ka sii ah oo ciyaar-gud ku tegay caro Maraykan ayaa lagu soo waramay in casho dhaweyd ciyaar-dhaqameed ay cagta u qaadeen cardaaduqaha kaga dhigeen Maraykaanka mirqaansan. Dhallinyaradaasi waxay ku rawramisay cayaaraha kala ah; Ruquusa, saylici, bator, baarcade, jaflo, jaandheer, jiitama iyo bahal hirwa ah oo lagu hoobtay, taas oo wegladii halkaa ka dhacday in dadkii daawanayay saar maroodi laga saaray.

Halkaas oo lagu soo waramay inuu ka dhacay bahal is-laba-rog ah oo aqoonsi laynagu siin gaadhay. Wegladaasi waxay ka dhacday tuullada Loosanjar ee gobolka Kufaarfooniya, halkaas oo Maraykaanku u qoondeeyay in lagu soo bandhigo ilbaxnimada iyo agabka Afrikaanku shukulo, taas oo sannadkasta dhaan wadamada Afrikaanku kuyuu u galaan ayaa la sheegay in Shankaroontu sannadkan si belo ka dhacday uga baaciyay, taas oo wadanka Itoobiya oo ku xigayna Anjii ka socotay garbaha dhaqdhaqaajiyeen.

Buuqland
Wasiir goboleed Boosaaso ka hadlay ayaa sheegtay in ay fara maroojiyeen gobolada bari ee Shankaroonta.

Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay bahasha banaanka ayaa yidhi; “Gobollana waa boobaynaa, nabadna waa wadnaa,” kaas oo siduu damaca u dhigay yidhi; “Walaalahayagan laynka waxaanu jecelnahay inaanu gobolada ku qabsano si jaarnimada iyo nabadda ku wada noolaanshaha wadno.”

Bahashaas banaanku waxay sheegtay in qabyaalad darteed damac ka galay gobolladan Shankaroontu qayilaadda kaga habsaantay ee dadka ku noolina qalbiga Somaliland ka raacsan yahay, quluubtana Buuqland ka yahay.

GABAY
Asli Internet (Cali Duul-duul)
Dalka nimanka joogow
Wuxuu dumarku leeyahay,
Annagaa idin dihanoo
Idin daadahaynoo
Dusha idinku qaadnaye,
Marka aanu damaciyo
Dan siyaasadeed iyo
La nimaadno dookh kale,
Maxaa diririg jaaniyo
Dafdafiyo wareeriyo
Idin baday dayaankee,
Diinta ugu or-orodaan.

Dalka nimanka joogow
Dulyahow islaameed,
Wuxuu dumarku leeyahay
Duqaydeenan talisaa
Hadday darajo leedahay
Ama ay dan guudiyo
Dadka samo ku dhaqayaan,
Toban sannaay didii iyo
Damdam iyo mashxaradiyo
Durbaan loo tumaayee,
Maxay daawo dhaliyeen
Ama ay dalkii iyo
Dadkii ay u keeneen,
Sowtan ay delegentee
Kala daamo noqotee
Dalkii qaar la waayee
Lagu daray Putlaane
Aan cidi dan ka lahayn.

Dalka nimanka joogow
Wuxuu dumarkii leeyahay,
Haddii aad dayowdeen
Hogaankii aad ku daasheen
Daahir ugu fashilanteen,
Boqol goor ku dirirteen,
Sida jinaca duullaan
Laga dilay abaanduul
Iska daba wareegtaan,
Duunyadii la gadan jiray
Laga xidhay dameerkii
Ka war dooni waydeen,
Dambigeeda yaa qaba,
Dalka yaa u maqan tolow.

Dalka nimanka joogow
Wuxu dumarkii leeyahay,
Haddii aad wax dumisaan,
Dastuurkiyo nidaamkiyo
Kala dambaynta lumisaan,
Dalkana wixii ka soo baxay
Dacalada ku gurataan,
Dadar iyo sigaariyo
Dookhyo kale ku gadataan,
Marka ay dareeniyo
Qalbi diiran keenaan,
Dumarkii cabudhisaan
Ama diin ku reebtaan,
Idinkuna ka daraysaan
Sidaad doonto yeeshaan
Dalka yaa u maqan tolow.

Dalka nimanka joogow
Wuxu dumarkii leeyahay,
Hadday mudani dagamtahay
Dibidaati liid yahay,
Dawlad hoose madhantahay,
Dekedii hungoob tahay,
Kastamkii ka daranyahay,
Wasiiradii dameeriyo
Lagu sheegay duul kale.

Sida adhi didaayoo
Loo tuuray daasado,
Dayow been ah
Dockasta u yaaceen,
Saldannadihii dalaysnaa
Docdii loo igmaday iyo
Dariiqii ka leexdeen,
Hadday dumarkii sheegteen
Dambigeeda yaa qaba.

Ragga dunida joogow
Wuxu dumarkii leeyahay,
Dadyowyada islaamkee
Dunidaba u tiro badan
Dumarbaa u taliyoo,
Ugu badan dedaalkood,
Daarta sare u joogee
Waxaad noo dilaysaan
Ama noola dirirtaan
Ama noo dulaysaan,
Ma dib laysu celiyiyo
Digsi inaan karkarinaa,
Diintuna ma hadaliyo
Wax dan gaara fuliyiyo
Dood lagu adeegtiyo
Wax dad lagu faquuqiyo
Daandaansi maahee
Waa dawgii Eebiyo
Dariiqii Rasuulkiyo
Dawladii Islaamkee,
Labadeena duuleen
Dumarkiyo raggaba lihi
Waa horeey dalaysoo
Midba doc u astaystaye
Ma markaanu doonee
Xalka soo danqaabnaa,
Diintu tahay wax soo degay,
Marka kalena dalamdalam
Digdig iyo isqaadqaad,
Dimuqraadi ruxistiyo
Diinihiinu badanaa,
Xaqa maxaad dar jiidhaan
Danihiina raacdaa,
Markaad idinku doontaan
Dayr shareeco kuma xidho.

Top


Kooxda Zimba Ee Reer Tanzania Oo Si Lama Filaan Ah U Garaacday ASEC Abidjan

Tartanka Horyaalka Kooxaha Qaaradda Africa Oo Sii Kululaaday

Dar-Es-Salam (W. Wararka) – Tartanka Horyaalka Kooxaha Horyaal dalalka Qaaradda Afirka (CAF Champions League), ayaa marba marka ka dambaysa sii kululaanaya, waxaanay dorraad ciyaar ka tirsanayd tartankaasi ku dhexmartay magaalada Dar-Es-Salam ee dalka Tansaaniya kooxda horyaalka dalkan ee `Zimba` iyo kooxda `ASEC Abdijan`, iyadoo kooxda `ASEC Abdijan` loo saadaalinayey in ay si fudud ku dhaafi doonto kooxdan, ka dib markii ay tagtay halkaasi iyadoo hogaanka u haysa qaybtooda ama guruubkooda `B`, balse ayna u suura gelin taasi, ka dib markii ay jilbaha u dhigeen difaaca kooxda `Zimba`.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa la isla dhaafi waayey 0-0, balse shan daqiiqo ka dib bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu ciyaaryahan `Ulimboka Mwakingwe` kubad aad u qurux badnayd kor uga qaaday goolhayaha kooxda `ASEC Abdijan` oo ka soo baxay goolkiisii si uu uga hortago ciyaartoygan oo kubadda goolka kula soo socday, halkaasna ay kooxda `Zimba` hogaanka ugu qabatay ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee uma suura gelin kooxdii martida ahayd in ay iska soo gudo goolkaas, waxaanay halkaas guushii ku raacday kooxda `Zimba` oo ayna ahayn markii ugu horeysay ee ay koox magac weyn iyo qiimo ku leh qaaradda ka badiso, iyadoo hore uga soo badisay mudadii lagu jiray is reereebka koobkan kooxdii iyadu haysatay koobkan ee `Zamalek` (Masar) iyo waliba kooxda haysata horyaalka dalka South Afrika ee `Santos`.

Qaybta kale ee `A` waxaa iyaguna wada ciyaaray axaddii kooxaha `Canon Younde` oo reer Cameroon ah iyo koox iyaduna ka socotay dalka Angola oo lagu magacaabo `AS Aviacao`, waxaana ciyaartaas 2-1 ku badiyey kooxda `Canon Younde` iyadoo uu u saxeexay labada goolba ciyaaryahan `Francis Oumar`.

Sidoo kale, kooxda kubadda cagta ee Ismailia ee dalka Masar ayaa ugu awood sheegatay kooxda Enyimba ee reer Nigeria 6-1 ciyaar iyaduna ka tirsanayd koobka horyaalka kooxaha horyaalada ee qaaradda Afrika (CAF Champions League).

Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Qaahira ee dalka Masar ayey u suura gashay kooxda Ismailia in ay dhaliyaan qaybtii hore ee ciyaarta hal gool oo uu rigoore ugu dhaliyey ciyaaryahan Atteye Saber dhawr daqiiqo ka hor dhammaadkii ciyaarta qaybteedii hore, balse min laba gool oo ay u kala saxeexeen qaybtii labaad ee ciyaarta ciyaartoyda kala ah Dramane Traore iyo Mohamed Greisha iyo hal gool oo uu u saxeexay kabtanka kooxda Emad El-Nahas ayey ku dhammaystireen dabaysha goolasha ah ee ay u gosha u geliyeen kooxda Enyimba.

Guuldaradan ayaa digniin culus u noqonaysa kooxdan reer Nigeria oo iyadu ku hamiyaysay in ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee reer Nayjeeriya ah oo ku guulaysata koobka horyaalka qaaradda Afrika.

Dhinaca kale kooxda Esperance ee reer Tunisia ayaa 2-1 kaga badisay kooxda Canon Yaounde ee reer Cameroon, ciyaar iyaduna ka tirsanayd tartanka koobkan, iyadoo dadka ka faalooda ciyaaraha Afrika ay saadaalinayaan in ay kooxdani (Esperance) tahay kooxda ugu rajada fiican in ay hanato horyaalkan.

Top


3 Dal Oo Koonfurta Ameerika Ah Iyo Spain Oo Isugu Hadhay Semi-Final-Ka Koobka Adduunka Dhallinyarada 17-Jirka Ah

Helsinki (W. Wararka) - Tartanka kubadda cagta ee dhalinyarada da`doodu ka yartahay 17-ka sannadood ee adduunka, ayaa haatan isugu soo hadheen afar kooxood oo saddex ka mid ahi ka yimaadeen Qaaradda Ameerikada Koonfureed, halka kooxda kalena ay tahay Spain oo ka socota Qaaradda Yurub.

Kooxda Brazil oo iyadu ah kooxda loo saadaalinayo in ay ku guulaysato tartankan ayaa 3-0 kaga soo talaabsatay kooxda xulka USA ciyaar maalintii Axadii la soo dhaafay ku dhexmartay magaalada Turku ee dalka Finland oo ay ciyaaraha Tartankani ka dhacayaan, halka Spain ay iyaduna afka ciida u gelisay xulka dalka dariskooda ah ee Portugaal, iyadoo ku suuldaartay 5-2.

Kooxda xulka Colombia ayaa iyaduna ciyaar ay kaga hortimid xulka Costa Rica maalintii sabtidi toddobaadkan si fudud ugaga badisay 2-0, waxaanay u soo baxday wareega semi-final-ka.

Sidoo kale, ciyaar ay sabtidii wada ciyaareen kooxaha xulka Argentine iyo Mexico oo ahayd ciyaar adag, balse ay ku guulaysteen kooxdii loo saadaaliyey in ay badinayso ciyaartaas oo ahayd Argentine, waxaanay kaga adkaatay 2-0.

Hadaba iyadoo afartan kooxood ay isugu soo hadheen wareega semi-final-ka ee tartankan, ayay aad u adag tahay in la saadaaliyo kooxaha isugu soo hadhi doona ciyaarta kama dambaysta ah iyo waliba cidda ku guulaysan doonta koobka, waxaanay afarta xul ee isku soo hadhay u wada ciyaari doonaan sidan:

Colombia v Brazil
Argentine v Spain

Top