Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 436 October 10, 2003

Republic of Somaliland Recognition and Reconstruction Tour Seminar Luncheon

Hogaamiyaha Kooxda Carta C/Qaasim Oo Rasaas Lagaga Hor- Joogsaday Inuu Ka Duulo Madaarka Bali-Doogle

Munaasibad BallaadhanOo Loogu Baroor-Diiqayo Annalena Tonelli Oo Ka Dhacday Magaalada Hargeysa, Dadweynaha magaaladii Ay ku dhalatay Annalena oo dhaqaale u ururinaya Cusbitaalka TB-da Boorama

2 Nin Oo Maayaro Hore Uga Ahaan Jiray Berbera Oo Bileysku U Baacsadeen Dhinaca Sheekh

Guddida Fullinta Ee Xisbiga KULMIYE Oo 3 Xubnood Ka Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga

Tumay Ahayd Dr. Annalena Tonelli?

Boqor Ciise Haybe Oo Sheegay Inuu Ka Soo Horjeedo Hindisaha Dhexdhexaadinta Hawiye

Duqa Degmada Sheekh: "Waxaanu U Aragnaa Mid Ka Soo Hor-Jeeda Somaliland.”

Bayaan xubno reer Berbera ah: “Waanu Ka Soo Horjeednaa Hindisaha Salaadiinta”

“Waxaan Markii Hore Garaaci Jiray Giitaarka, Kadibna.” Wareysi Khaas ah – Daa’uud Cali Masxaf

6 Bilood Kadib Qabsashadii Ciraaq Ee Maraykanka Maxaa Iska Bedelay?

Jilaagii Caanka Ahaa “Commando” Oo Loo Doortay Badhasaabka Gobolka California

IFTIINKA ISLAAMKA: Qisadii Nebi Ismaaciil Iyo Abihii Nebi Ibraahim (CW)

Qiimaha Maalinta Jimcaha

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Saxaafadda Pakistan Maxay Ka Qortay Dilkii Annalena Tonelli?

Annalena Ha Loogu Magac-Daro Gobolka Awdal


Republic of Somaliland Recognition and Reconstruction Tour Seminar Luncheon

On Monday, October 6, 2003, a ceremonial luncheon seminar for the Recognition and Reconstruction of Somaliland was held at Oxford Plaza, Korea Town, Los Angeles. It was organized by Vision View, Inc., and the Somaliland Policy and Reconstruction Institute (SOPRI), and sponsored by U.S. Pacific Development Group and UN Peace
International Foundation.

As the delegate arrived, they were given a very warm welcome. Most local Asia news agencies were present. The luncheon ceremony was televised live by Korean midday (noon) time news. John Choi, an old friend of Somaliland community and one of the organizers, opened the event. This was followed by an awards presentation by the former State of California Lieutenant Governor and Congressman, and now Assemblyman, Mr. Mervyn Dymally. Mr. Dymally, a man who is very knowledgeable about Somaliland, gave a brief and informative
speech about Somaliland. He stated that as young man, he studied Somaliland history while it was still under British Colony. He explained that Somaliland's current international political isolation is unacceptable, and their voice and choice should be respected. Mr. Dymally presented an Award to both Mohammed Hashi and Adna
Adan. This was a certificate of recognition by the California State
Assembly, in honor and appreciation of their services and dedication.

Dr. Hong B. Rhee, member of the Korean Community, gave an excellent and well presented overview of Somaliland History. Dr. Rhee stated that he came to know Somaliland's History while he was conducting a research at the University of Pennsylvania. He added that the more he read, the deeper his interest in Somaliland, grew.

Mohammed Hashi Elmi, Somaliland's Minister of Commerce and Industry, presented to the participants the opportunitities that exists in Somaliland. He spoke about Somaliland's position and policy regarding international investors. He described many available precious stones and other natural resources that have been discovered so far, which are available in commercial quantities.

Adna Adan Ismail, the Foreign minister also gave a speech about Somaliland's political status. She showed slides and overhead projector pictures, in chronological order, starting from the time of the British Administration to the present.

Dr. Kaz Demille Jacobsen, who produced many movies and TV shows, won three AME awards, served as minister in the New Zealand government, worked with UN for many years, founded two non profit organizations, one of which has subsidiary organizations, also spoke on this occasion. Dr. K. Jacobsen is one of the only two survivors of 9/11, North Tower. She was in her office located on 9th floor of the North tower when the plane hit the building. She lost four clients, 17 staff members, as well as colleagues. Dr. K. Jacobsen pointed out the superb quality of the presenations by the two Ministers and Dr. Rhee.
She praised Somaliland's people for their hard work, adding that they will be rewarded soon.

The luncheon was concluded with cutting a cake, representing the new friendship between the Korean Community and Somaliland's people.

The participants were:

1. The Korean Community was represented by: Mr. John Choi, Mr. Sang Y.
Lee, and Mr. Samuel You.

2. The Somaliland Government was represented by: Mohamed Hashi, Adna Adan

3. SOPRI was represented by: Abdirahman Mohammed Abusite, Hassan Mogeh
Hirsi, Bonita Earl.

Top


Hogaamiyaha Kooxda Carta C/Qaasim Oo Rasaas Lagaga Hor- Joogsaday Inuu Ka Duulo Madaarka Bali-Doogle

Muqdisho (Haatuf) Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in maalintii shalay lagu rasaaseeyay garoonka Ballidoogle C/qaasim Salaad Xasan oo doonayay in uu kadhoofo garoonkaasi. Israsaaseyntan oo la sheegay inay dhexmartay ilaalada C/qaasim Salaad iyo malleeshiyadii fadhigeedu ahaa garoonka Ballidoogle ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku khasabtay C/qaasim iyo wafdgii las ocday in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho kana baaqdaan safarkii dibadda oo uu qorshuhu ahaa inay in ay ugu ambabaxaan dalka Liibiya. Ilaa iyo haatan waxa ay sheegayaan wararku in wafdigii C/qaasim iyo isaga laf ahaantiisaba ayna wax dhibaato ahi soo gaadhin marka laga reebo ka baaqashada safarka. 

Maleeshiyada garoonka gacanta ku haysa ayey beel ahaan C/qaasim isku jifo yihiin. Wararku waxa ay sheegayaan in ay haatan socdaan dhaqdhaqaaqyo xoogle oo lagu baadhayo sidii ay wax u dhaceen, iyo sababta keentay Rasaasta lala beegsaday waftuga C/Qaasim balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka dhalatay mid ka mid ah ilaalada C/qaasim oo ka cabanayey dhinaca mushaharada.

Top


Munaasibad BallaadhanOo Loogu Baroor-Diiqayo Annalena Tonelli Oo Ka Dhacday Magaalada Hargeysa, Dadweynaha magaaladii Ay ku dhalatay Annalena oo dhaqaale u ururinaya Cusbitaalka TB-da Boorama

Hargeysa (Haatuf): Munaasibad si weyn loo soo abaabulay oo loogu baroor diiqaqyey Annallena Tonneli oo habeenkii Axadii lagu dilay magaalada Boorame ayaa shalay lagu qabtay hoolka xafladaha Panaroma, munaasibadaa baroor diiqda ah waxa ka qayb galay madax ka tirsan dawladda Somaliland oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiiradda Arrimaha gudaha, qorsheynta, warfaafinta, madaxtooyada, gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, madaxda hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah, culimaa’udiin, shakhsiyaad ay qaarkood la soo shaqayn jireen Annalena Tonneli iyo marti sharaf kale oo badan.

Intii aan la bilaabin munaasibadaa baroor-diiqda ah waxa dadkii ka soo qayb galay ay muddo hal daqiiqo ah isu taageen xuska Annalena Tonneli, ka dib waxaa halkaa laga soo jeediyey khudbado badankooda loogu tacsiyadaynayo Annalena, iyada oo laga waramay taariikhdeedii iyo waxqabadkeedii, ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay mdaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo sheegay inay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland-ba si weyn uga murugoodeen ugana xumaadeen dilka loo geystay dilka loo geystay Annalena, taasoo uu sheegay in qofkasta oo reer Somaliland ah ay ku noqotay dareen murugo iyo naxdin leh dilka gabadhaasi oo aanay dhaqan ahaan iyo diin ahaanba raali ka ahayn, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Waxaanu aad uga xunahay dilka Annalena, waxaananu ka tacsiyadaynaynaa dawladda Talyaaniga iyo shacbiga Talyaanigaba. Annalena Tonneli waxay geli doontaa taariikhda Somaliland, qof kasta oo reer Somaliland ahina wuu ka naxay oo wuu ka cadhooday dilkeedaasi foosha xun ee loo geystay Annalena, waananu ka tacsiyadaynaynaa qoyskeedii”.

Waxa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf oo sheegay inay shacbiga reer Somaliland ku dhacday geeri aad u weyni “Waxaa nagu dhacday, haddaanu nahay shacbiga Somaliland geeri weyn, waxay ahayd qof nafteeda u hurtay inta ay nooshahay inay caalamka wax tarto, wayna tartay. Waxaan u malaynayaa inaanay meel kale ka qaban waxa ay Somaliland u qabatay, waxay samaysay iskuuladii dhegoolayaasha, oo maanta shaqeeya dadka TB-da qaba iyadaa dawooyinka gacanteeda ku siin jirtey, waxaan u malaynayaa inay arrintaasu ahayd mu’aamarad Somaliland lagu ceebaynayo. Laakiin waxaanu ku ladanahay anaga oo qabanay markii wax dheceen, ruuxaa, waxaase ka wanaagsanaa iyada oo haad-biidhi lagu xidho oo la raaciyo maydkeedii, waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in tacwiid kheyr qabta halkeedii inoogu soo bedelo”.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan oo sheegay inay cadaalada horkeenayaan cidii geysatay falkaa foosha xun, isla markaana wuxuu xusay inay Somaliland tahay meesha ugu nabad gelyada, marka loo eego geeska Afrika, haddii aanay ahayn adduunkaba.wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Somaliland waxay noqotay meesha ugu nabadgelyada fiican gobolka geeska Afrika, haddii aanay ahayn adduunkaba. Sidaana way xaqiiqsan yihiin qaar badan oo ka mid ah dadka tacsidan fadhiya”.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay xukuumad ahaan balan qaadayaan nabadgelyada oo ay masuul ka yihiin wuxuuna ka codsaday deeq bixiyayaasha caalamiga ah, iyo hay’adaha UN/UNDP ee ka shaqeeya Somaliland inay dhaq-dhaqaaqooda la soo socodsiiyaan xafiiska ku shaqada leh, si loo sugo nabadgelyadooda, inkasta aanay Somaliland jirin khatar xaqiiqdii laga cabsi qabaa. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu tacsi u direy dawladda Talyaaniga, shacbiga Talyaaniga iyo qoyskii ay ka geeriyootay Annalena-ba, isla markaana xukuumadda Somaliland iyo shacbigeeduba ay aad xumaadeen dilka loo geystay gabadhaasi.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay wasiirka qorsheynta Axmed X. Daahir oo sheegay inay haweenaydaasu ahayd mid nolosheeda intii badnayd ku qaadatay gargaarka iyo taakulaynta dadka jilicsan.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Faadumo Siciid oo ka tirsan UNDP, isla markaana ku hadlaysay magaca UN-ta, iyadoo tidhi “Annalena waxay ahayd mid ah tirada yar ee tusaalaha u ah dadka mutadawaciinta ah ee jecel inay caawiyaan dadka foqorada ah iyo kuwa u baahan gargaarka bani’aadminimo.

Sh. Maxamed Siciid Taawir oo imaam ka ah masjid jaamaca Boorama ayaa sheegay inuu Annalena Tonnali muddo la shaqaynayey oo uu dhinaca gudniinka fircooniga ah kala shaqay jirey, isla markaana mararka qaar u raaci jirey meelaha tuulooyinka ah ee ay ka wado hawlaha halgankii ay ugu jirtey dabargoynta gudniinka fircooniga ah, wuxuuna tilmaamay inay ahayd qof karti badan oo naxariis badan.

Munaasibada baroor-diiqda ah oo la dhigey qaar ka mid ah sawiradeeda, waxaana loogu magac daray cusbitaalkii ay gacanta ku haysay oo loo bixyey Annalena Hospital.

Top


2 Nin Oo Maayaro Hore Uga Ahaan Jiray Berbera Oo Bileysku U Baacsadeen Dhinaca Sheekh

Berbera (Haatuf) waxa maalintii shalay magaalada Berbera ay Ciidanka Boolissku ka baacsadeen labadii maayar ee hore ee Berbera oo kala ah Cabdale X.Cali Iyo Faysal Maxamed Aadan  labadaasi maayar oo ay ciidanka booliska berbera is eryadeen ayaa waxa lagu sheegay qabashadooda arin la xidhiidha dhawaaqii salaadiinta waxaana sida uu u sheegaywariyaha haatuf ee Berbera C/raxmaan Casaan sarkaal ka tirsan ciidanka booliska isga oo intaa ku daray in ay qoraal amara ka heleen xaga sare ee xukuumada hase yeeshee markii ay ciidanka boolika ee loo diray ee ay u tageen labadaasi masuul oo gaadhigooda wata ayna joojiyeen kuna wargaliyeen in ay sal dhiga u raacaan ayaa waxa ay si xawli ah kaga dhaqaaqeen gaadhigii uu watay boolisku markii ay ka daba tageena way gaadhi waayeen kuwaasi u caymaday dhica bariga magaalada Berbera siina jiidhay kantaroolka looga baxo wadada Bariga iyagoo xawaare ku socda.

sida uu xaqiijiyey sarkaalkaasi ka tirsan boolisku waxaana la sheegay in ay gaadhigii ay wateen uu ku xumaaday buuralayda Degmada Sheekh.

Top


Guddida Fullinta Ee Xisbiga KULMIYE Oo 3 Xubnood Ka Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga

Hargeysa (Haatuf): Guddida fulinta ee ee KULMIYE ayaa go’aan ku gaadhay inay ka saaraan saddex xubnood oo ka mid ah golihiisa dhexe xubinimadoodii golaha dhexe iyo gebi ahaanba xubinimadii xisbiga KULMIYE, iyaga oo ku eedeeyey inay ku kaceen falal ku lidi ah qaranimada Somaliland iyo mabaadi’ida xisbiga KULMIYE Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbigaasi Daa’uud Maxamed Geelle.

Saddexdaa nin oo kala ah Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir), Cabdalle X. Cali, Faysal Axmed Aadan (Faysal Madoobe), waxay guddidu u cuskadeen ka saaristooda xisbiga qodobo dhawr ah oo ku xusan warsaxaafadeedka guddida fulinta.

Saddexdan nin oo la sheegay inay lug ku leeyihiin dhaq-dhaqaaqa ay wadaan qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ah inay Xamar u tagaan dhex-dhexaadinta beelaha Hawiye, isla markaana uu mid ka mid ahi (Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir) uu xiligan ku sugan yahay magaalada Muqdisho, labada nin ee kalena waxa ku daba jira booliska Somaliland, oo sida la sheegay haatan dhuumasho ku jira, iyada oo lagu eedaynayo arrimo la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland.

Go’aanka guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE soo saaray, isaga oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan:

“Shir ay yeesheen Guddida fullinta ee xisbiga KULMIYE taariikhda kor ku xusan.

Markuu arkay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 34-aad, faqradihiisa 1-aad iyo 2-aad.

Markuu arkay xeerka xisbiga KULMIYE qodobkiisa 12-aad, faqradaha B,J,Kh, iyo D.

Markuu ka baaraandegay siyaasadda xisbiga ee waafaqsan siyaasadda qaranka Somaliland.

Markii ay u cadaatay in xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE ay ku milmeen siyaasada ka hor imanaysa jiritaanka qaranimada iyo midnimada ummadda Somaliland ee ay Salaadiinta qaar ka midi ugu yeedheen heshiisiinta beelaha Hawiye.

Markuu arkay in go’aankaas kooxdaas salaadiinta qaar ka midi wadaan uu khilaafsan yahay, dhaawacayana midnimada, jiritaanka, qaranimada, nabadda, xasiloonida, iyo gooni isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland oo ummadda gelinayo wallaahow iyo jaho-wareer siyaasadeed.

Xubnahanina ay si toos ah uga qayb qaateen.

Wuxuu go’aamiyey in saddexda xubnood ee kala ah:-

Maxamuud C/Laahi Jaamac (Sifir)

Cabdalle X. Cali

Faysal Axmed Aaden (Faysal Madoobe).

Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay ta kor ku xusan ay waayeen xubinimadii ay kaga mid ahaayeen xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE iyo golihiisa dhexeba.

Maadaama ay ka baydheen, ka leexdeen, khilaafeen kana horyimaadeen siyaasadii, go’aamadii iyo mawaaqiiftii uu xisbiga KULMIYE iska taagay arrintaas iyo tii qaranka Somaliland-ba.”

Top


Tumay Ahayd Dr. Annalena Tonelli?

Qore: Maxamed Daheeye Ismaaciil – Maayarkii hore ee Boorama

Duqii hore ee magaalada Boorama mudane MaxamadDaheeye Ismaaciil, ayaa na soo gaadhsiiyey tacsi iyo maqaal ka hadlaya wax qabadkeedii iyo soo yaalkeedii taariikheed oo uu u baxiyay Tumay ahayd Analina, kaasoo u qornaa sidan:

“waxaan ugu horayn tacsi u dirayaa ehelkii ay ka geeriyootay iyo umadii ay wax u qabanaysay oo ku kala filiqsanayd geeska afrika iyo soomali-landba waxaanan uga tacsinayaa falkii waxshinimada ahaa ee lagu dilay haweenaydaasi dhakhtrada ahayd 8:00Pm 05/10/2003 Mudado 2 sano ah oo aan soo wada shaqaynay oo aan Mayorka ahaa waxaan qirayaa inuu wax qabadkeedu ahaa mid wax ka bedelay taariikhda Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal,waxaa kale oo wax qabadkeedu gaadhay guud ahaan somaliland iyo deegaanada ku xeeran oo dhan. Taariikh nololeedkeedii horaa loo soo qoray waxaanse soo bandhigayaa kaliya, waxqabadkeedii siduu ahaa, maxayse ka tagtay,yase halkeedii buuxin kara?

Waxay dalka timid bishii October 1996 iyada oo keligeed ah oo dalkeedee yurub ee ay ku raaxaysan lahayd uga soo go’day inay dadkeena wax uqabato, mudo kooban ayuu waxqabadkeedu ku talaabsaday horumar xoogan,kuna baahay G.Awdal,Somaliland ilaa dalaka geeska een jaarka nahay,Hadaba waxqabadkeedii oo aan weliba soo koobayna waatane ku soo dhawaada.

-Bilawgii hawsheeda caafimaadkaOctober 1996 waadh ka mid ah cusbitaalka guud oo ahaa waadhka kaliy oo TB-da lagu daweeyo oo ay yaalaan 20 sariirood oo keliya, tacab badan oo heerar kala duwan soo maray ka dib waxay maanta gaadhsiisay cusbitaalkaasi inay ku kordhiso dhismayaal ah 8 waadh oo waaweyn iyo mid cusub oo 2dabaq ah oo cusub 9kaasi waadh oo ay yaalaan 250 sariirood iyo qalabkoodii oo u dhan.
Hal Sheybaadh tayadiisu sarayso oo qalabkiisa iyo dawadiisuna u dhanyihiin baadhisna lagu sameeyo cidii xanuun qabta.

shaqaalaha ka shaqeeya cusbitaalka oo kaliya: waxay dhanyihiin 44qof oo isugu jira dhakhaatiir ilaa adeege.

waxbarashada cubitaalka gudihiisa oo kaliya ka socota:Waxay cusbitaalka gudihiisa ka furtay laba dugsi oo kala ah dugsi Quraan, iyo dugsi afka Ingiriisiga iyo afka soomaaliga uguna talo gashay in mudada 6da bilood ah ee ay qofka dawada u wado inuu jahligana ka baxo.
Dugsigaasi oo ka kooban 6 class, waxaana isu bedela 6 macalin galab iyo subax mushaharkoodana iyadaa bixisa.

Qalabka, dawada iyo daweyta: Wax alla waxa qalab iyo dawo ah ee u cusbitaalku ku socda ka bilow sariirta ilaa, biyaha, laydhka, raashinka oo dhamaantood iyadu kafaalo qaaday.

Dawada iyo daaweynta. Wxaxay keeni jirtay wax alla waxa dawo ah ee ee la siiyo bukaanada cusbitaalka jiifa iyokuwo ay u kala dirto dadka Gobolka ku filiqsan ee qaba xanuunka.Habka daaweyta waxay qofka ay daaweynays ka qaadi jirtay damiin adag oo qofka ay dawynayso ka masuul ah, marka ay dawaada bixinayso waxay istimaali jirtay codbaahiye ay ku xadiriso bukaan socodka cida aan socon karina sriirta ayayugu dul geyn jirtay.

Raashinka Cusbitaalka:Waxay maalin kasta raashimisaa guuda haan450qof oo ay u kala bixiso a)200 qof oo kamid ah waxy siisaa raashin karsan oo 3da waqti ahmaalin walba b)200 qofna waxay siisaa raashin qalalan kuwaasoo u badan dadkii u dambeeyey ee cusbitaalka ka baxay iyo kuwa mar hore ka baxa dhaqaalahoodu liito si aanay awoodoodu isu dhiminoo xnuunku ugu soo noqonin kuwaasi oo guryahooda ugu geyso oo maalinle ah.

hawlaha caafimaad ee cusbitaalka ka baxsan ee ay garab wado:

a) Wacyigelinta ka hortaga xanuunka HIV maadaama ay Boorama ku taalo meel kulmisa dalalka jaarkeena oo ay xanuunadaasi ku soo horeeyeen iyo dalkeena oo dadka 3da xad isaga gudbayaayi ku kulmayaan

b)Ka hortaga gudniinka fircooniga ahFGM taaasoo ay ku guulaysatey inay kajoojiso25 haween ah oo samayn jiry gudniinka una jihayasey xirfado kale oo ku shaqystaan iyo abaalmarin ay u siisay caruuahooda waxbarasho xor ah tasoo wacyi gelintiisana aygaadhsiisey ilaa heer tuulo iyo baadiyahaba.

c)waxay diyaarisay oo ay qabatay in ka badan 150 (workhops)oo kuaabsan ka hortaga iyo iska ilaalinta xanuunadaaasi.

d)Kooxo dhkhaatiirta wareegta oo ay3dii biloodba hal mar u kala dira tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolku ka kooban yahay kooxo isugu jira TB controllers iyo laboratery wareega oo goobahaasi ka soo baadha cida qabtay xanuunadakaneecada,shubanka,TBda.

e) Waxay tabaaro siisay25 CHW(xarumo caafimaad) oo gobolka ku baahsan kuwaasoo loo tababaray inay iyagu baadhaan xanuunada Mlariyada, Tbda,iyo shubanka si mustaqbalka looga kaaftoomo kooxahaas caafimaad ee.

Dugsiga dhgoolaha: oo ah dugsigii ugu horeeyey ee laga furo S/land iyoguud haan dalalka jaarkeena ah. Waxay dugsigaasi ku bilawday horaantii1998-kii (10) Arday oo keli ah oo ay wax ugu dhigi jirtay waab yar oo hadh ah hoostii Taasoo ay maanta marayaan 286 Arday .December 1998 ayay bilowday dhismihii ugu horeeyey ilaa ay gaadhsiisay dhisme ka kooban12class oo ah fasalo ardaydu waxku bartaan,2xafiis oo macalimiinta ah, 2store,musqulahoodii iyo deyrkoodii oo xidhan lehna barxad balaadhan oo ay ku ciyraan kubada gacanta .286- Araday waxay u kalabaxa sidan soo socaota.

a)- 72 Arday waa dhagoolayaal aan waxba maqli Karin: Oo kala dhigta Class 1 ilaa Class 6 waxna ku barta afka ingiriisiga kuna bartaan culuunta kala duwan ee xisaabaadka ,sayniska , juqraafiga, taariikhda, computerka ,afka ingiriisiga,taasoo manta aad arkaysid ilmihii shalay dhagaha la’aa oo manta E-mailka iyo Internetka caalamka kula xidhiidhaya iyagoo adeegsanaya luqada ingiriisiga

b)- 21Arday oo ah caruurta naafada ah iyaguse dhaga qaba oo iyaguna qaata duruustaas oo kale.

c)- 193 Ardayna waxay isugu jiraan: agoomaha, caruurta dadka laga tirada badanyahay,iyo kuwa kasoo daaduumay meelaha baadiyaha iwm oo iyaguna la waxbarasho ah kuwaas hore.

d)-Macalimiinta dugsigaasi tiradoodu waa15 macalin iyo 3qof oo isugu jira adeege iyo waardiye mishharkana iyadaa siisa.

e)-Waxay aqalkeeda si joogta ah ugu quudisaa 50 qof maalin kasta kuwaasoo ah isugu jira dadka suuxdinta qaba , dadka waalan qaarkood iyo ardayda dhagoolayaasha ee laga keenay meelaha kale ee dalka ee reerahoodu degenayn magaalada.

Mashruuca qaliinka indhaha ee KIKUYO EYE CAMP .Dhakhaatiirtaa oo ay iyadu masuul ka ahayd keenistooda iyo qaabilaadoodaba, sanadkii 2 jeer ka keentaa dalka Kinya .Waxayna keentay ilaa hadda 9jeer oo ay markay ugu yaryihiin qalay isu celcelin 450 qof markiiba taasoo tirada guud ka dhigaysa 5000 oo qof tasoo kharashka ku bixi lahaa dadkaa hadii dibada lagu soo qali lahaa ay ku kici lahayd kharash ku dhow labaatan milyan oo doolar taasooBoorama ka dhigatay meel ay dad badan oo 20 sanadood aan wax arkin ku indhabaraqsadaan.

Dugsiga Indhoolaha oo ay isagana wax alla wixii qalab ahaa ay u diyaarisay idaacadahana ay ka sii daysey in la furayo oo ay haddaba sii bilowda hal qof ooy wax barto si uu tusaale u noqdo
Waqtigan xadirka ahna: Waxay gacanta ku haysaydhismaha xarun weyn oo dadka waalan lagu xanaaneeyo iyo mashaariic kale.

Maxamed Daheeye Ismaaciil

Top


Boqor Ciise Haybe Oo Sheegay Inuu Ka Soo Horjeedo Hindisaha Dhexdhexaadinta Hawiye

Hargeysa (Haatuf) Boqor Ciise Haybe Khayre oo ah Boqorka Beesha Arab ayaa sheegay inuu ka soo hor jeedo hindisaha dhexdhexaadinta beesha Hawiye oo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland uuna taagersanyahay Bayaankii diidmada ahaa ee ay soo saareen qaarka tirsan Salaadiinta Somaliland maalintii Arbacadii. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi Wargeyska Haatuf la yeeshay habeen hore , isaga oo intaa ku daray in qorshahoodu ahaa in ay madax dhaqmeedyada oo dhami meel isugu yimaadaan meel kaliya oo ay tala mida arrintaa ka yeeshaan , si loogu qanciyo salaadinta hindisahaa waday inay ka noqdaan. Balse taasi aanay suurto galin.

Isagoo hadalkiisii wata boqor ciise waxa uu ugu baaqay Salaadiintaasi inay ka noqdaan hindisahaas dhexdhexaadinta ah “Duruufta haatan lagu jiro waxa daruuri ah in la wada ilaaliyo midnimada dalka iyo in laga digtoonaado khataraha dalka dibada kaga imanaya lana ilaaliyo degaanaashaha” ayuu yidhi boqorku , isagoo ugu baaqay Salaadiinta hindisahaa waday inay ka noqdaan taas oo uu sheegay in hadii la fuliyo dalka u horseedaysa dhibaatooyin aan laga soo waaqsan karin.

Top


Duqa Degmada Sheekh: "Waxaanu U Aragnaa Mid Ka Soo Hor-Jeeda Somaliland.”

Sheekh (Haatuf): Maayarka Degmada Sheekh Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in maamulka iyo dadweynaha degmadaasi ay si weyn uga soo horjeedaan hindisihii dhex-dhexaadinta ee ka soo yeedhay qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay mid ka soo horjeeda jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, waxaanu sidaa maayarku ku sheegay waraysi uu maalintii shalay la yeeshay weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir Casaan, waraysigaas oo uu maayarku kaga waramay arrimo kale oo khuseeya degmada iyo xaaladda haatan taagan-ba, ugu horeyna maayarka oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay sida uu u arko baaqii salaadiinta waxa uu yidhi “Haddaanu nahay maamulka iyo dadweynaha degmada-ba waxaanu u aragnaa dhawaaqaa salaadiinta mid ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, dadweynaha degmadu aad bay uga xumaadeen”.

Maayarka oo weriyuhu weydiiyey labadii maayar ee hore ee magaalada Berbera oo ay ku daba jiraan boolisku lana sheegay inay u fakadeen dhinaca Sheekh waxa uu yidhi “Waan maqlay warkooda iyo inay dhinaca degmada Sheekh u soo baxeen, laakiin maamul ahaan wax war ah la igama soo siin, ciidanka booliska dhinaca qaybta gobolka ayaa lagala soo xidhiidhay oo lagu amray inay raadiyaan”.

Mar la weydiiyey maayarka inuu isku dayey inuu labadaa nin la xidhiidho waxa uu yidhi, “Haa, oo isla shalayba waxaan tegay dariiqyada iyo guryihii ay deganayeen, balse ugumaan tegin oo waan ka waayey”.

Isaga oo ka jawaabaya gaadhigii labadaa nin siday oo dhexyaala buurta waxa uu yidhi, “Gaadhigaasi waa run oo wuu yaalaa, laakiin inuu koodii yahay iyo inuu mid kale yahay ma sixi karo, oo anigu shakhsiyan maan aqoonin gaadhiga Cabdalle”.

Ugu dambayn duqa oo ka waramaya xaaladda degmada waxa uu sheegay inay aad u wanaagsantahay xaaladda degmadu, balse ay jirto dhaqaale xumo degmada haysata, waxa kale oo uu sheegay in bishii hore uu xanuunka kaneecadu ka dilaacay tuuladda Gidhays, Gugux iyo jiidaha la xidhiidha, halkaana ay u direen dawooyin, ugu dambayntiina waxa uu beeniyey duqu inuu khilaaf u dhaxeeyo, isaga iyo mudanayaasha golaha deegaanka ee ay wada shaqeeyaan.

Top


Bayaan xubno reer Berbera ah: “Waanu Ka Soo Horjeednaa Hindisaha Salaadiinta”

Anagoo ka wakiila ah golaha deegaanka Berbera iyo dagmada Berbera iyo dadwaynaha degan gobolka saaxil waxaanu is buuxda oo af iyo gacanba leh u taageeraynaa warsaxaafadeedkii madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo micnihii uu xambaarsanaa ee soo baxay 7-10-003 in uu yahay rabitaanka dadwaynaha reer somaliland muqadis oo uu cadyahay cidii ku talo gasha in ay mugi galisana laga yeeli maayo waxaanan u aragnaa danbiile qaran gooni isu taaga Somaliland waa muqadis oo ma aha mida ya doodi ka furan tahya arintii naxdinta lahayd ee ka soo yeedhay salaadiinta iyo cida u  ku wehelisaba ee u dhalatay dalka somaliland waxa aanu kula talinaynaa in ay ka noqdaan haybad eebe ku siiyey habeen la iskama qaadee, waxaanu dadwaynaha reer Somaliland ku guubaabinayanaa iyagoo is kaashanaya in ay si feejigan leh u ilaashadaan jirataanka qaranimadood goonida u taagan waxaanaan madaxwaynah iyo ku xigeenkiisa iyo golaha guurtida xukuumada hiil iyo hooba ayaab kula garab taaganahay.

Xildhibaan:-
Cawil Cali Sugule
Ing.Maxamed Cumar Cabdi
Cabdi Jaamaca Musbaar
Cabdale Jaamac Guuleed (Kidaare)
C/Laahii X.Cali Liibaan
Maxamed Siciid Ducaale
Cali Cabdi Guuleed 

Top


“Waxaan Markii Hore Garaaci Jiray Giitaarka, Kadibna.” Wareysi Khaas ah – Daa’uud Cali Masxaf

Hargeysa (Haatuf): Waxaan awel garaaci jirey Giitaarka, dabadeed waxaan bilaabay kamanka ka dibna codeynta iyo ku luuqeynta heesaha” sidaa waxa yidhi Daa’uud Cali Masxaf oo aanu waraysi dhinacyo badan leh oo xiiso leh aanu kula yeelanay Hargeysa, isaga oo dhawaan dalka yimid, ka dib markii uu ka soo socdaalay dalka Djibouti oo uu degenaa muddo saddex sano.

Haddaba, waraysigaasi oo ah mid aad u xiiso badan, isla markaana aad ka heli doonto su’aalo badan oo aad muddo jawaabtooda raadinaysay, isla markaana uu kaga sheekaynayo taariikhdiisii fanka iyo horumarka uu ka sameeyey dhinaca fanka.

la soco maalinta Axadda ah.

Top


6 Bilood Kadib Qabsashadii Ciraaq Ee Maraykanka Maxaa Iska Bedelay?

Washigton (W.Wararka) Maamulka Bush ayaa bilaabey Olole uu isku dayayo inuu dib ugu hantiyo taageerada siyaasadda iyo tan shicibka ee ku aaddan siyaasadiisa Ciraaq.

Ololahani waxa uu ka marag kacayaa in Aqalka Cad uu mashaakil ku hayo Ciraaq. Dadka Mareykanku waxa ay is-weydiinayaan in dagaalka Ciraaq lagu qaadey uu yahay mid istaahila in lagalo iyo in kale. Siyaasiinta Mareykanka oo xataa ay ku jiraan kuwa ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Bush hogaamiyaha u yahay, waxa ay su'aalo iska weydiinayaan qiimaha ay ku kaceyso dib u dhiska Ciraaq. Sidaas ayaa Maamulka Bush uu haatan u bilaabey in fasiraadda arimahaas uu gaadhsiiyo shicibka Mareykanka.

Waxaana fariimahaas fidintooda bilowdey Haweeneyda Aqalka Cad u ah La Taliyaha Ammaanka Qaranka, Ms Condoleezza Rice oo dad ay Chicago kula hadashey u sheegtey in baadhayaasha hubku ay soo bandhigeen cadeymihii ku saabsanaa sababihii Ciraaq loo weerarey, maadaama ay iska hor imaatinku uu muujiyey inuu Saddam ahaa cabsi adduunka ku soo foolleh. Waxa ay Ms Rice weydiisey dadka ka soo horjeeda dagaalka Ciraaq, bal inay dib u jaleecaan oo ka waramaan sida ay noqon lahaayeen cawaaqibka ka iman karayey haddii Saddaam xukunka lagu daayo?

Waxa Ms Rice ay sheegtey in haddii Saddam loo deyn lahaa awoodda ay taasi kala dilaacin lahayd awoodda Qaramada Midoobay oo uu Saddam wiiqi lahaa awoodda uu Golaha Ammaanku ku fuliyo rabitaanka nabadeed ee jamaahiirta caalamka.

Waxa ay Ms Rice tidhi Ciraaq oo Saddam ka madaxbannaan waxa ay Carabta kale ee Bariga Dhexe u noqon kartaa tusale lagu daydo oo isbdel dimuqraadi u keena gobolkaasi.

Madaxweyne George W Bush iyo ku-xigeenkiisa Dick Cheney ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay jeediyaan khudbado la mid ah ta Ms Condoleezza Rice ay ka jeedisey Chicago.

Dhinaca kale shalay oo Khamis ah ahayd waxa ciidamada Isbaheysiga ee Mareykanku hogaaminayo u buuxsantahay lix bilood oo laga joogo maalintii ay galeen Baqdaad.

Markii dhulka la soo dhigey taaladii Madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddam Hussein, waxa adduunku uu daawadey dad badan oo reer Ciraaq oo faraxad dariiqyada ku ciyaaraya. Maanta oo lix bilood laga joogo dhacdadaas, Ciraaqiyiin badan ayaa sheegaya iney ku faraxsan yihiin inuu Saddam tagey, laakiin ma hubaan in noloshoodu ay maanta dhaanto tii wakhtigii Saddam.

Reer Ciraaq wey ku diirsadeen xoriyadda asaasiga ee ay heleen Saddam ka dib, laakiin mawjadaha dambiyada ee Baqdaad ku habsadey tan iyo markii Saddam laga takhalusey ayaa reer Ciraaq aragagax ku haya. Gaar ahaan dumar badan ayaa ka cabsada iney aqaladooda ka baxaan, waalidiintuna waxa ay u ka xeeyaan caruurtooda oo ay ka cabsiqabaan in la afduubo.

Shaqo la'aan badan iyo sicirkii maciishada oo cirka isku shareerey ayaa sii kordhiyey caalwaaga iyo qalbijabka dadka reer Ciraaq maanta haya.

Dr Mahmoud Osman oo ka mid ah Guddiga Cusub ee maamulka Ciraaq ayaa yidhi "Muwaadiniinta dal kasta waxa ay u baahan yihiin saddex waxyaabood oo kala ah: cunto, nabadgalyo iyo xoriyad, laakiin buu yidhi ma haysano nabad galyo iyo cunto nagu filin."

Qaar badan oo reer Ciraq ah ayaa doonaya in awoodda deg deg dib loogu celiyo gacanta Ciraaqiyiinta.

Waxa laga yaabaa in markii hore ay Ciraaqiyiintu ay ku faraxsanaayeen in ciidamada Isbaheysigu ay dalkooda yimaaddeen, laakiin waxaa markii hore loo arkey ciidamo iyaga xoraynaya ayaa haatan ay soo kordheysaa in dad badan oo reer Ciraaq ah ay ku fasiraan inay yihiin ciidamo uu Mareykanku hor mood u yahay oo dalkooda qabsadey.

Top


Jilaagii Caanka Ahaa “Commando” Oo Loo Doortay Badhasaabka Gobolka California

California (W.wararka) Arnold Schwarzenegger ma aha jilaagii ama aktarkii ugu horeeyey ee gobol California ka noqda guddoomiye Gobol, waxa aad loo wada xasuusan yahay Ronald Reagan oo Califorina iyo Aqalka Cadba soo maamuley.

Arnold Schwarzenegger sida Reagan oo kale Madaxweyne kama noqon karo waddanka Mareykanka oo haddii xataa dadku ogolaan lahaa waxa reebeysa shardiga ah in qofka Mareykanka Madaxweyninimadiisa u tartami karaa inuu yahay qof dalka gudihiisa ku dhashey. Mr Schwarzenegger isagoo 19 jir ah ayuu ka tagey Austraia uu ka mid ah dalalka yar yar ee Yurub, aabihiina waxa uu ahaa nin ka tirsan booliska.

Waxa la rumeysan yahay in guushii uu ka gaadhey jilista aflaanta ay qeyb ka ahayd isagoo jidh dhiskiisu hagaagsanaa una dhashey laxaad, dherer iyo awood weyn oo muuqata, intii uu yaraana aad ugu dadaaley hawlaha la xidhiidha jidh dhiska.

Magaca uu ka helay jilistii aflaanta ayaa dadka qaar ay ku doodayaan iney u horseedey inuu haweysto oo waliba uu ku guuleysto guddoomiyanimada gobolka ugu weyn dalka Mareykanka.

Maadaama aanu khibrad u lahayn siyaasadda, waxa dad badani ay odorosayaan in Mr Schwarzenegger ayna u fududaan doonin la tacaalista hawsha iyo maamulista California oo haddii ay waddan kaligeed taagan ahaan lahayd dalka shanaad ee adduunka ugu dhaqaalaha weyn. Dareenkaasi dadku qabaa waxa dhalinaya iyadoo ay haatan California soo foodsaartey hoos u dhac dhaqaale oo weyni.

Hawsha iyo loolanka ugu horeeya ee Mr Schwarzenegger u taalaa waxa ay tahay hoos u dahaca miisaaniyadeed ee gaadhaya siddeeda bilyan ee doolar ee haatan heysata California. Taas oo 50% ay ku sii kordhi doonto haddii uu Schwarzenegger ka dhabeeyo ballantii uu qaadey markii uu ku jirey ololihii uu ku yimid xafiiska oo ay ka mid ahayd inuu masaxi doono saddex jibaarista cashuurta baabuurta oo sanadkan la soo saarey.

Waxa kale uu Schwarzenegger ballanqaadey inuuna goyn doonin miisaaniyadda waxbarashada, laakiin xisaabta waxbarashada inteeda badan waxa loo qoondeeyey barnaamijyo gaar ah, taas oo Guddoomiyaha Gobol ee cusub siineysa fursad yar oo uu wax ku kala dabaro.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: Qisadii Nebi Ismaaciil Iyo Abihii Nebi Ibraahim (CW)

Siciid I. Guraase

Waxa aynu manta ee gaynaa Qisadii dhex martay Nabi Ibraahim iyi Inankiisii Nabi Ismaaciil oo uu Illaahay ku amray inuu gawraco.

“Sababtii keentay in Nebi Ismaaciil CS la amro in la gawraco xaqiiqada Illaahay baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahim CS ayaa sadaqaystay 1.000 Neef oo Adhi ah, 300 oo lo'ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna u baxiyay Illaahay dartii, dadkii ayaa la yaabay, markaa kadib Nebi Ibraahim CS wuxuu yidhi "waxaan la baxay agtayda waxba kama aha, balse Illaahay baan ku dhaartee haddii aan lahaan lahaa wiil Illaahay dartii ayaan u bireyn lahaa, Illaahey ayaanan ugu dhawaan lahaa "markii uu sidaas yidhi Nebi Ibraahim CS waqti badan ayaa laga joogay, kaddib Illaahay ayuu weydiistay awlaad,(Caruur) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey wiil, waxaana u dhashay Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS markuu weynaaday ee uu gaadhay dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahim (CS) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil CS, laguna yidhi oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor). Markii waagu beriyey ayuu ku fikiray tolow ma amar xaga Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.

Galabtii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil CS. Maxaa yeelay Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday.

Nebi Ibraahim (CS) wuxuu ku yidhi, Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil hooyadii "Wiilka dhar fiican u xidh meel baan tagayaaye "hooyo Haajara Ismaaciil CS dhar fiican ayey ugu labistay wayna u subagtay, wayna u feedhay. Nebi Ibraahim CS wuxuu qaatay xadhig iyo mindi, wayna is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil (CS).

Nebi Ismaaciil CS aabihii ayuu hor socday in la gawracayana muu ogeyn isaga iyo hooyo Haajaraba.

Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa'iidaysto, markaa buu Nebi Ibraahim CS ku yidhi: "miyaanad arkayn ma wiilkan baa la qali karaa?"..Nebi Ibraahim CS wuxuu yidhi: "Illahay ayaa i amray, waanan biraynayaa" Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahim CS ayuu u tagay Hooyo Haajara wuxuu yidhi "halkan ayaad iska fadhidaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ".Haajara waxay tidhi:

"iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa biraynaya?"

Ibliis wuxuu yidhi: "Sidaas daraadeed ayuu u qaatay xadhig iyo mindi".Haajara waxay tidhi: "Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?"

Ibliis wuxuu yidhi: "Wuxuu sheeganayaa in Illaahay amray".Haajara waxay tidhi: "Koley Baadil Illaahay amri maayo".Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu u tagay wiilkii yaraa ee Nebi Ismaaciil ahaa,si uu u fidneeyo, wuxuuna yidhi: Waad faraxsan tahay oo waad iska ciyaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu soo qaatay xadhig iyo mindi,wuxuuna doonayaa inuu ku bireeyo.

Ismaaciil wuxuu yidhi: "waar beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?"

Ibliis wuxuu yidhi:"wuxuu sheeganayaa in Illaahay amray inuu ku bireeyo.

Ismaaciil CS wuxuu yidhi: "waan maqlayaa waanan adeecayaa (yeelayaa) amarka Illaahay".

Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil CS qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna kaga dhuftay isha bidix, Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.

Nebi Ibraahim (CS) iyo Ismaaciil markay gaadheen meel la yidhaah mina oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahim CS ku yidhi Ismaaciil "wiilkaygiiyoow waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynaya ee maxaa ra'yigaagu yahay?".

Ismaaciil wuxuu yidhi: Aabbahayow samee waxa Illaahay ku amrayo, waad i heli doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan.

Nebi Ibraahiim CS markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu qiray(Ogaaday)in Illaahay uu ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu Illaahay ku baryay oo ahayd:(Rabbi hablii minal salixiin)
Nebi Ibraahim CS Illaahay ayuu ku xamdiyay intaa kaddib nebi Ismaaciil CS ayaa yidhi: Aabahayoow waxaan kuu dardaarmayaa dhowr arrimood:-

Markii aad i gawracayso iga xidh gacmaha si aanan kuu dhibin. Wajigayga iska sii jeedi waxaa laga yaabaa inaad wajigayga eegto oo inaad iga naxdo, oo aad ii naxriisato.Dharkaaga xaydo (kor u qaado) si aan dhiiggu kuugu saydhmin, hooyadayna intay kugu aragto dhiigga ayna ku murugoon, anna ajarku iiga nusqaamin.Afayso midida kuna dhakhso biraynta si ay iigu fududaato sakaraatul mowdku, maxaa yeelay mawtku wuu adag yahay.

khamiiskayga u gee hooyadey ha igu xasuusatee.Aabbe hooyaday igu salaan, waxaadna ku tidhaa ku samir amarka Illaahay.Aabbe hooyo ha u sheegin sida aad ii biraysay, xadhiggii aad igu xidhay IWM. Aabbe hooyaday: yayna u soo galin Ilmaha anigoo kale ah way i xusuusanaysaaye, markaas bay murugoonaysaaye.

Aabbe haddii aad aragto wiil anigoo kale ah ha-eegin yaanad murugoone! Nebi Ibraahim CS wuxuu yidhi: "wiilkaygiiyow waxaad iigu kaalmaysay amarkii Illahay i faray inaan guto".

Nebi Ibraahim CS wuxuu guda galay inuu legdo (dhinaciisa dhulka dhigo) wiilkiisii Ismaaciil CS si uu u bireeyo, wuuna legday, middidii ayuuna kurka kaga kir-kiray intii awoodiisa ah, balse wuu awoodi waayey inuu ku jaro middida qoorta wiilkiisii Ismaaciil CS.Malaa'igta Illahay markii ay arkeen Ibraahim CS oo biraynaya wiilkiisii Ismaaciil CS waxay hoobteen Sujuud ay ilaahay ku caabudayaan.

Illahay ayaa markaa ku yidhi: eega addoonkayga sida uu ugu kir-kirayo (marmarinayo) middida qoorta wiilkiisa, isagoo doonaya raali ahaanshahayga doonaya).

Ismaaciil CS wuxuu yidhi: "Aabahayow ii sii daa gacmaha iyo lugaha oo iga fur xadhiga, yaan la ii malaynin in la i khasbayo, oo aan diidanahay amarka Illaahay, ina gawrac anoon gacmo xidhneyn.Nebi Ibraahim CS wuu ka furay xadhgihii lugaha iyo gacmaha, mar labaad ayuuna middidii ku kir-kiray, wiilka kurkiisa intii xooggiisa ah, markaas baa middidii afka ka laabantay, waxna u goyn weyday.

Ismaaciil CS wuxuu ku yidhi Aabihii Ibraahim "Aabbo xoogaagii ayaa daciifay jecaylka aad i jeceshahay awgeed, mana awoodid inaad i birayso".Nebi Ibraahim CS middidii ayuu ku garaacay dhagax, markaas bay dhagaxii laba u kala goysay, afka middidu leedahay awgeed.

Nebi Ibraahiim CS wuxuu yidhi: "middidani way kala goynaysaa dhagaxa, hilibkana goyn meyso!

Nebi Ibraahim CS middidii ayaa la hadashay oo tidhi "Ibraahiimow waxaad i leedahay wax goo, Illahayna wuxuu i leeyahay ha goyn, ee sideen amarkaaga u yeelaa, Illahayna u caasiyaa?"

Intaas markii xaaladdu marayso ayaa Illaahay u dhawaaqay kuna yidhi Aayadahan qur'aanka ah. “Illaahay wuxuu u keenay Wan wayn oo laga keenay sida la sheegay jannada, waxaana lagu beddelay Nebi Ismaaciil CS.

Jibriil oo la socday wanka, ayaa yidhi:Allahu akbar, Allahu akbar,allahu akbar. Nebi Ibraahiimna CS wuxuu yidhi:"laa ilaaha ilalaah wallahu akbar".

Nebi Ismaaciilna CS wuxuu yidhi: "Allahu akbar wallilaahil xamdu" Sidaas daraadeed ayaa takbiirtan la qaadaa maalmaha ciidda Carafo, inagoo ku dayanayna Nebi Ibraahim CS.

Nebi Ismaaciil CS waa awoowga kore ee uu ku abtirsado Rasuulkeenna Muxammad NNKH.

Nebi Ismaaciil CS wuxuu ku soo barbaarey Makka Al-Mukarama. Nebi Ibraahim CS wuxuu Nebi Ismaaciil CS Illahay siiyey isagoo 87 jir ah.Hooyaddii Haajarana waxay ahayd addoon ay leedahay oo u shaqeysa xaaskii kale ee Nebi Ibraahim markay waxba u dhali weyday ayey ku dartey Haajara halkaas oo Illahay Nebi Ismaaciil ka beeray.Nebi ismaaciil walaalo waxaa la dhashay wiil, wiilkaas oo ahaa Nebi Isxaaq CS. Nebi Ismaaciil CS wuxuu Nebi Isxaaq ka weynaa 14 sanno.

Nebi ismaaciil (CS) wuxuu dhalay 12 wiil, dhammaantoodna waxay noqdeen Awoowa-yaal lagu abtirsado, Nasabka Nebi Ismaaciil (CS) waxa ka soo jeeda Carabta-Mustacribadda la yidhaahdo.

Nebi Ismaaciil wuxuu noolaa 137 sanno, wuxuuna ku dhintay Maka, oo uu ku aasan yahay.

Top


Qiimaha Maalinta Jimcaha

Siciid I. Guraase

Jimcuhu waa maalin fadli badan, waayo waa ciidda muslimiinta, waa maalin ay muslimiintu ku kulmaan masaajidka iyagoo ka kala yimid meelo kala fog si ay u dhagaystaan xuska Alle iyo wacdiga Imaamka. Qofka haddii aanu dhageysan wacdi muddo dheer qalbigaa mirdha marka xigana ka awdma kheyrka.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yidhi:

Ragga hadii aynaan ka joogin ka tegidda ay ka tegeyaan salaadaha jimcayaasha Ilaahay ka dabooli doonaa quluubta, kadibna waxay noqonayaan kuwo kheyrka dhinacmarsan. Jimcuhu waxa uu ka mid yahay xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Ilaahay kor ahaaye ka aqbalayo ducada.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yidhi: Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u kheyr badan maalinta jimcaha, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay, waana maalintii laga soo bixiyey, qiyaamuhuna dhici maayo maalin aan jimce aheyn. Sidaa awgeed Alle kor ahaaye wuxuu inoo dardaarmay in loo degdego salaadda jimcaha marka laysugu yeedho
Wuxuuna Alle yidhi: Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo salaadda jimce u degdega xuska Alle kana taga wax kala iibsiga sidaasaana idiin kheyr badan haddaad tihiin kuwo wax garanaya.”

Haddaba waxaa habboon in loo degdego jimcaha oo qofka muslimka ahi uu maydho oo uu weysaysto, Nabigu naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yidhi: Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajibay inuu maydho maalinta jimcaha iyo inuu ku labisto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan, iyo inuu is cadriyo hadduu heli karo.

Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la wacdiyo lana waaniyo waxaa waajib ah in la dhageysto khudbada imaamka, mana banaana in la hadlo ama la buuqo intey khudbadu socoto nabigu naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yidhi: Jimcaha markuu Imaamka khudbadaynayo, haddaad saxiibkaa ku tidhaahdo "aamus" hadalkaagu waa mid micno darro ah.

Hadduuse qof khaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto kadibna si xigmad leh loogu sheego.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Saxaafadda Pakistan Maxay Ka Qortay Dilkii Annalena Tonelli?

Islamabad: Wergeyska ugu caansan waddanka Pakistan ee maalinlaha ah kuna soo baxa luuqadda ingiriisiga ee la yidhaahdo DAWN NEWS ayaa wuxuu far waaweyn ku daabacay maalintii shallaytoole ahayd “A HUMAN RIGHT ITALIAN ACTIVIST SHOT KILLED IN SOMALILAND” wergeyska oo sii faahfaahinaya wuxuu ka waramay sidii Annelini loo dillay isaga oo warka ka soo xiganaya wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu wergeysku faahfaahin ka bixiyey mansabkii ay haweenaydan talyaaniga ahi ka qaadatay sidii loo taakulayn lahaa boqolaal qof oo ku noola magaalada Boorama ee jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu wergeysku soo qaatay tacsi ay u dirayaan xafiiska qaxoontiga qaramada midoobay u qaabilsan mandaqadda koonfur beri asia oo xafiiskiisu ugu weyni ku yaallo magaalada Islamabad, wuxuuna wergeysku xusay sida shaqaalaha iyo madaxda xafiiska haayadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga (UNHCR) uga naxday dilkaasi waxaanay ku tilmaameen mid argagaxisnimo ah, wergeyska oo sii faah faahinaya warkasi wuxuu soo qaatay nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland ee ay kaga duwantahay Somalia, iyo sidii ay xorriyadda Jamhuriyadda Somaliland ula soo noqotay, wuxuu wergeysku ku soo gebo gebeeyey qormadiisasi sida ay shacbiga Reer Somaliland uga xunyahiin dilkaa loo geystay haweenaydaasi.

Waxaa soo akhriyey

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

Karachi, Pakistan.

Top


Annalena Ha Loogu Magac-Daro Gobolka Awdal

Cali Ismaaciil Carab

Sida aynu wada ognahay waxaa dhowaan lagu dilay magaalada Boorama gabadh Talyaaniya, gabadhaas oo ahayd gabadh caawisa dadka qaba cudurka Qaaxada. Run ahaantii shaki kuma jiro in ay dadka reer Somaliland aad uga xumaadeen taa waxa caddayn u ah xaaladda ama sida laga muujiyay dilkaa foosha xumaa. Gabadhaa dilkeeda waxaa ka ka qoray dhammaan warbaahinta dunida inteeda badan. Waxaa loo sameeyay aas Qaran oo ka dhacay dalka Talyaaniga oo ay u dhalatay gabadhan oo da’deeda lagu sheegay 70 jir.

Waxa la caddaynayaa in aanay u qaban dalka Talyaaniga, waxa ay u qabatay gobolka Awdal, taas oo ay caddeeyeen masuuliyiinta Awdal iyo dadweynaheedaba.

Waxa kale oo la sheegay in loo bixiyay jidad ka mida magaalada Boorama Annalena Tonelli.

Aan sii anba qaadee waxaa Baroor-diiq ballaadhan loo sameeyay gabadhaa aan kor ku soo xusay baroor-diiqdaas oo ay ka qayb-galeen dadweyne, golayaasha Qaranka, xisbiyada Qaranka, hay’adaha caalamiga ah. baroor-diiqdaas oo la sheegay in ay muddo socon doonto, iyada oo la muujinayo sida aynu uga xunnahay arrintaa dhacday.

Haddaba, sidaa awgeed waxaan ku talin lahaa in loogu magac darro gobolka Awdal Mastar Annalena, si aanay tacab qasaar uu noqon baroor-diiqdii xaawalaydu ama aynu ugu xasuusan lahayn waxqabadkii ay ka tagtay weliba waa in aynu gudi uu magacownaa.

Isku soo dubrida sidii loogu barooran lahaa, loona axmi lahaa.

Cali Ismaaciil Carab, Hargeysa

Top