Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 346 June 3, 2003

Xafiis Caalamiya Oo Qiray In Xeebaha Somaliland Ka Bed Qabaan Budhcadda Baddaha, “Shirkadaha Qaarna way ku qanceen go’aankan, Qaarna qancintooda ayaa noo socota,” Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Xoor-xoor.

“Waxaan Ku Faraxsannahay In Xogtii Aan Ka Haystay Somaliland Aan Indhahayga Ku Arko,” Mukhtaar Diof, Hogaamiyaha Weftiga Baanka Adduunka.

“Xaajadaada Waxa Loo Dhiibtaa Nin Aan Hantina Kaa Dhaqanayn Hagarna Kaa Galeyn," Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Xadhiga Maxaabiista Siyaasadeed Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka Iyo Xeerarka Caalamiga Ah, Faallo - Caraale M. Jaamac.

Roobab Baraf Iyo Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Boorama.

Hambalyo Aroos.

Faaqidaadadduunka: Shir-Madaxeed Dalalka Carabta Iyo Maraykanka Uga Furmaya Masar, Siciid Guraase.

Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxda G8.

Shir-Madaxeedka Dalalka G8 Maxaa Ka Soo Baxay?

Iiraan Oo Gaashaanka Ku Dhufatay In La Baadho Hubkeeda Halista Ah.

Tallaabooyinka Sharon Ka Wado Falastiin.

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Waa Mar Aad Gaadhi Weydo Iyo Mar Aad Garan Weydo.

Xilka Siyaasi Sahlanaa!!

Dadku Ha Kala Saaro.

Waa Maxay Muxaafid Iyo Mucaarid?

Tartan Kubadda Koleyga Ah Oo Lagu Xusayo 18 May Oo Ka Furmay Boorama.

Cabdifataax M. Caydiid: Bayern Munich Oo Ku Guulaysatay Koobka Jarmalka (German Cup), Michael Ballack ayaa laba gool u dhaliyay mid kalena sameeyay.


Xafiis Caalamiya Oo Qiray In Xeebaha Somaliland Ka Bed Qabaan Budhcadda Baddaha, “Shirkadaha Qaarna way ku qanceen go’aankan, Qaarna qancintooda ayaa noo socota,” Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Xoor-xoor.

Berbera (Haatuf) - Xafiiska Caalamiga ah ee hawlaha gaadiidka badda (International Maritime Bureau) qaybtiisa London, ayaa qiray in xeebaha Somaliland ay ka fayow yihiin falalka budhcadnimada ah ee loo geysto gaadiidka mara badda, arrintan oo xafiiskaasi shaaca ka qaaday badhtamihii bishii May ee sannadkan, wuxuu ku tirtiray go’aan hore oo isla isaga ka soo baxay, kaas oo uu xafiisku digniin ku siiyay maraakiibta marta Khaliijka Cadan in ay ka fogaadaan xeebaha “Soomaalida” siiba dhinacooda waqooyi iyo waqooyi bari.

Haddaba kadib markii ay digniintaasi soo baxday ayaa shirkaddaha Caalamiga ah ayaa waxay qiimihii caymiska ee ay ka qaadi jireen maraakiibta u raran dhinaca dekedda Berbera ku kordhiyeen sicir cusub oo u dhigma 2.5% qiimaha badeecadda, taas oo badh ahaan dib loogu celinayo cidii caymiska dalbatay kadib marka la hubiyo in markabkii badeecadda siday u si nabadgelyo leh kaga gudbay dekedaha xeebaha Soomaalida.

Tallaabadan ay qaadeen shirkaddahaasi, ee ay ku kordhiyeen caymiska ay ka qaadi jireen maraakiibta u raran Berbera ayaa waxa ka dhashay in maraakiibta qaarkood ay ka war-wareegaan imaatinka dekedda Berbera.

Haddaba, mar aanu arrintaa wax ka weydiinay Maareeyaha Dekedda Berbera, Cali Xoor-xoor, waxa uu noo sheegay inuu la xidhiidhay xafiiska caalamiga ah ee gaadiidka badda, si ay wax uga beddelaan warbixintoodii ay kala midka dhigeen xeebta Somaliland ta Soomaaliya, taas oo uu Maareeyuhu xafiiskaasi uga dacwooday in ay soo saareen warbixin khaldan, maadaama ayna kala saarin xeebaha badda Somaliland oo tan iyo 1991 ilaa hadda aanay wax falal budhcadnimo ahi ka dhicin iyo badweynta Soomaaliya ee falalkaasi ka dhacaan.

Qoraal Maareeyaha Dekedda Berbera u qoray xafiiska Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda bishii 13 May 2003, waxa uu ku sheegay in laga bilaabo sannadkii 1991 ee dalka Somaliland madaxbanaanidiisa la soo noqday aanay xeebaha Somaliland marnaba ka jirin wax dhibaatooyin ah oo ku lidiya ammaanka gaadiidka badda ee halkaasi mara, waxaanu Mareeyuhu xafiiskaa u diray warbixin ku saabsan Maraakiibtii timid Berbera labadii sannadood iyo lixdii bilood ee u dambeeyay, taas oo uu ka soo jawaabay Agaasime-ku-xigeenka xafiiska Caalamiga ah ee gaadiidka badda, Mr. Jayant Abhayankar, isaga oo sheegay in xafiiskiisu aanu wax ka sheegin xeebaha “Somaliland”, balse ay wabixintooda ku eekaysiin doonaan “Somalia”.

Mr. Jayant Abhyankar, waxa kale oo uu jawaab-celintiisa ku sheegay in ay warbixintooda wax ka beddeli doonaan, isla markaana ay ku xusi doonaan in meelaha khatarta ah ee gaadiidka badda looga digayaa ay ku koobnaan doonaan Bariga iyo Waqooyiga bari ee xeebaha Soomaaliya.

Maareeyaha Dekedda Berbera oo aanu wax ka weydiinay ahmiyadda go’aankan cusub ee xafiiska caalamiga ah ee gaadiidka baddu kaga markhaati furay nabadgelyadda ka jirta badda Somaliland, wuxuu sheegay in tallaabadani ay tahay mid daruuri ah, maadaama ay shirkaddaha caymisku ku go’aan qaateen warbixintii hore ee xafiiska London ka bixiyay xaaladda ammaanka xeebaha Soomaalida, waxaanu Maareeye Cali Xoor-xoor intaas ku daray oo uu yidhi: “Waxaanu dedaal u galnay sidii shirkaddaha caymisku ay caymiska dulsaarka ah uga qaadi lahaayeen Maraakiibta timaada Berbera.”

Waxaanu intaa raaciyey “Shirkadaha qaarna way ku qanceen go’aankan oo way naga aqbaleen inay ku camal falaan oo ay caymiska dul-saarka ah naga qaadaan, qaarna qancintooda ayaa noo socota, sida: Lloyds” ayuu yidhi Maareeyuhu, waxa kale oo uu sheegay in xafiiska midawga Yurub (EU) ee Addis Ababa uu kaalin libaax ka qaatay hawshan, isaga oo intaa ku daray inay doorka EU-da ee hawshan mustaqbalka faah-faahin dheeraad ah ka bixin doonaan.

Top  


“Waxaan Ku Faraxsannahay In Xogtii Aan Ka Haystay Somaliland Aan Indhahayga Ku Arko,” Mukhtaar Diof, Hogaamiyaha Weftiga Baanka Adduunka.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay markii labaad la kulmay weftigii ka socday Baanka Adduunka ka dib markii ay wada hadalo la soo yeesheen guddi ka tirsan golaha wasiiradda, oo ay isla meel dhigeen mashaariic ay wax kala qabanayaan Somaliland, waxaanu madaxweynuhu ka codsaday weftigaas inay ku dedaalaan sidii ay hirgeli lahaayeen arrimaha ay isla meel dhigeen guddiga golaha wasiiradda.

Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyaddu Cabdi Idiris Ducaale arrimaha ay isla meel dhigeen guddida golaha wasiiradda ah iyo weftiga ka socday baanka adduunku waxay yihiin laba mashruuc oo kala ah Dib u hawlgelinta wershada Sibidhka ee Berbera iyo mashruuc qaboojiyayaal lagu kaydiyo kalluunka ah. Iyada oo uu Madaxweynuhu sheegay ahmiyadda iyo waxtarka ay mashaariicdaasi u leeyihiin dalka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ku adkeeyey in wixii ay u qabanayaan Somaliland ay noqdaan toos si aanay meel dhexe ugu lumin, “Anaga oo ujeedadayadu tahay wixii loo qabanayo dalkani ee xaggiina ka yimaada inay dhaliyaan midhihii loogu talo-galay, anaga oo dawlad ahaan aan rabin inay wax lacag ahi, gacanta noo gasho, laakiin ay ujeedadayadu tahay in la qabto mashaariic iyo wax qabad muuqda, oo bulshada Somaliland wax u tara”. Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Hogaamiyaha weftiga Mukhtaar Diof oo isna kulankaa ka hadlay ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha iyo shacbigaba sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey dalka. “Aad baanu ugu faraxsanahay in xogtii aanu ka akhriyi jirnay Somaliland aanu dhab ahaan indhahayaga ugu aragno, waxaana ii muuqatay jawi wanaagsan oo aynu ku wada shaqayn karno” ayuu yidhi Diof. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay iskhaashi buuxa kala yeelan doonaan Somaliland arrimaha ay isla meel dhigeen wasiiradda gaar ahaana wuxuu balan-qaaday dhaqan gelinta labada mashruuc inay ku dedaali doonaan, isla markaana uu ka hawlgeli doono sidii loo hirgelin lahaa.

Waxa kale oo uu warsaxaafadeedku intaa ku daray in weftiga ay ka muuqatay sida ay diyaarka ugu yihiin wada shaqaynta iyo wax la qabadka Somaliland.

Warsaxaafadeedkaa waxa lagu sheegay inay kulankaa madaxweynaha kala qaybgaleen wasiiradda arrimaha gudaha, qorshaynta, maaliyadda, dib u dejinta, warfaafinta, iyo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda.

Weftigan oo lagu wado inay maanta dalka ka ambabaxaan waxa habeenkii xalay casho sharaf loogu sameeyey Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Top


“Xaajadaada Waxa Loo Dhiibtaa Nin Aan Hantina Kaa Dhaqanayn Hagarna Kaa Galeyn," Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

London (BBC) Waxaa dhowaan magalada Bosaso lagu soo gabagabeeyay heshiis dhexmaray maamulka Puntland iyo mucaarad ka horjeeday waxana wadahadalka labada dhican oo muddo socday dowr wayn ka ciyaaray labada Isim ee kala ah Boqor Cismaan Max'uud Max'ed (Buur-madow)iyo Suldaan Siciid Suldaan C/salaam.

Haddaba weriyaha BBC-da Axmed kismayo ayaa waraysi la yeeshay Boqor Cismaan Max'uud waxana uu ugu horayntii waydiyay inuu faahfaahin kooban ka bixiyo sida uu u arkayay hawshan intii aysan billaabin iyo siday markii dambe ku dhamaatay, waxana uu ku jawaabay:

Boqor Cusman: ... Arrinkan nabadaynta Puntland ah waxaannu ku jirnay muddo shan bilood iyo dheeraad ah, markii hore ee aaannu galaynayba waxannu ku raja waynayn inaannu ku guulaysan doonno, maxaa yeelay markii horeba waxanu ka bilownay meel haddii lagu ilaaliyo ayna murkacasho ka imanaynin.

Waxaannu markii horeba ka bilownay in labada garab ee is haya cidda hogaaminaysa aannu kalsoonidooda kasbanno maaddaama aannu nahay
Dhexdhexaad, waxannu haddana ku dadaallay inaannu iyaga wadahdalsiinno iyagoo aan isu iman oo marka hore aannu fikirka isu soo dhowayno, runtii taasi way nagu adkaatay laakiin markii dambe Ilaahay mahaddiis waannu ku guulaysannay.

Axmed: Markii aad hawshan billaabayseen ma idinka uunbaa si gaar ah isu xilsaaray adiga iyo Suldaanka mise dadkii is hayay ayaa idin yeedhay oo idin yidhi dhibaatdan ayaa na dhextaal ee kaalaya na dhexgala?

Boqor Cusman: ... Markii ay qoladan Ceel-afwayn timi telefoon ayay igula soo xiriireen waxayna ii sheegeen inay halkaas yimaadeen, dabadeedna waxa ila soo xiriiray C/llaahi Yusuf runtiina isagaa soo jeediyay in arrinkan nabad lagu dhameeyo oo annaguna aannu galno.
Tan kale nabadda wadiddeeda haddii iyadoo aan nala dirsan aannu iska galno xagga kalsoonida waa laga fiican yahay.

Axmed: Dhibaatada Puntland waxay soo socotay muddo ku dhow laba sano, waxa jiray olole nabadeed oo idinka horeeyay laakiin aan guul ku dhammaan,marka idinka albaabkee ayaad ka gasheen arrinkan nabadaynta ah...

Boqor Cismaan: Horta arrinka la isku hayay waxa uu ahaa siyaasad,annaguna waxannu iibinaynay waxa ay ahayd nabad, marka maaddaama aannu ahayn hoggaan dhaqan wax alla wixii siyaasad ah waannu iska xirnay waxannuna ku tala galnay in bal horta qolo kastaa aannu niraahno nabad aan shuruur lahayn nala qaata taas ayaanu annagu wax ku iibinaynay.

Axmed: Dadka qaar waxay qabaan in C/llahi Yusuf iyo Cadde ay markii hore iyagu toos u wada hadleen dabadeed arrinkii oo ay jilciyeen oo ay soo bisleeyeen ay idinku yidhaahdeen kaalaya na dhexgala, sidee taas u aragtaa.

Boqor Cusman: ... Laba nin oo muddo dheer ciidamada ku soo wada jiray bay ahaayeen, beel ka soo jeeda oo saaxiibbo ah, halgankii SSDF ku soo wada jiray bay ahaayeen, laakiin intii arrintani ay dhacday wax xidhiidh ah mayna lahayn waxana runtii nagu adkaaday inaannu wadahadalsiinno, markaa waxba kama jirin in ay xiriir lahaayeen oo annagaa xidhiidhka bilownay.

Axmed: Waxan qiyaasayaa intii aad hawshan ku jirteen inaad marba la kulmayseen xaalad gaar ah oo marna fududaanaysay marna ay adkaanaysay,marka intii aad wadden nabadayntan maxay ahayd caqabaddii idinkugu waynayd ee aad la kulantaan.

Boqor Cismaan: Ma doonayo inaan taas ku talaxtago waayo waxa la yidhi oday reer u wayn iyo gabadh gabdho ka umulisaba siday wax u ogyihiin wax uma sheegaan, haddii aannu arrinka ku raagnay oo nala dheeraaday waxyaabihii aannu la kulannay runtii ma wada sheegi karo,laakiinse waxan idin sheegayaa in arrinkaas si nabadgalyo ah oo annaguna aan adkaysi badan u yeelannay, oo madaxwaynaha iyo Cadde iyaguna ay dhib fara badan u dhabar adaygeen.

Axmed: Waxaan is leeyahay hawshan aad ayay u adkayd,marka miyaydnaan marna is odhan war waxakan farihii baad kaga gubateene halkaa isaga joojiya?

Boqor Cismaan: Maya, maya taasi marna ma dhicin, waxaanay u dhicin laba ciidan oo aan heshiis ahayn oo aad u xoog badan mid kastaana uu saanad iyo hub badan haysto baannu ku dhexjirnay, marka inaannu nabadda dhalino ama aanu ku dhimanno ayaannu ku soo talagalnay ee inaannu waddo kale uga wareegno fikirkayagu marna ma ahayn.

Axmed: Boqor arintan nabadaynta ah ee aad gasheen waa mid siyaasadeed, idinkana hawlihii aad hayseen waxa ugu badnaa waxyaabaha arrimaha dhaqanka iyo waxyaabaha beelaha dhexdooda ah, marka ma is leedahay waxad dhexgasheen arrin siyaasadeed oo idinku adag oo aad uga duwan waxyaabihii dhaqanka ahaa ee aad arki jirteen?

Boqor Cismaan: Waa run waxa la isku hayay siyaasad ayay ahayd laakiin annagu waxannu wax ku wadnay dhaqan bay ahayd,dee siyaasadna kama madhnayn oo anigoo kale waad ogtahay oo waxan ka mid ahay golaha dhexe ee xisbiga Udub ee S/land, ragga siyaasadda xisbigaas u ololeeya ayaan ka mid ahaa, markaa siyaasadda lafteeda khibrad baanu lahayn oo meeshii aannu is leennahay way idinkaga soo butaacaysaa waanu iska xidhnay.

Axmed: Waxaad ogtahay Somaliya dhibaato ayaa ka taagan meel kastana waxa ka jira garabyo is haya sida kuwan oo kale, haddaba ma jirtaa talooyin ama khibrad aad arrintan ka korodhsaten oo aad is leedahay waxay ku fiican tahay in loo gudbiyo hoggaanka dhaqanka ee Somalida meel kasta ha joogee?

Boqor Cismaan: Taas waxa weeye fikrado badan oo aannu ka faa'idnay iyo waxyaabo badan sida wax loo xalliyo ahba waa jiraan. Madax dhaqameedyada oo kale waxan u soo jeedin lahayn in aanay siyaasadda ku milmin oo ay dhex ka ahaadaan maaddaama ay iyagu yihiin cid dadkoo dhami ay dooratay, waana in aanay lahayn damac ay naftooda wax ugu doonayaan ha noqoto mid hantiyeed iyo mid mansab labadaba waayo Somalidu waxay tiraahdaa 'xaajadaada waxa la geliyaa nin aan hantina kaa dhaqanayn hagarna kaa galayn'markaa haddii caddaalad la helo,dhexnimo la helo waxaan qabaa in madaxdhaqameedyadu ay dowrkaa qaadan karayaan.

Top


Xadhiga Maxaabiista Siyaasadeed Ma Waafaqsan Yahay Dastuurka Iyo Xeerarka Caalamiga Ah, Faallo - Caraale M. Jaamac.

“Qofka xoriyada looga qaaday fal-denbiyeed lagu eedeeyay awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood gudohood, laga bilaabo marka la qabtay.” Sidaa waxa dhigaya qodobka 27aad faqradiisa labaad ee dastuurka, inkasta oo ay dastuurka s/land, sidaa ugu cadahay xoriyadu muwaadinku, isla markaana ay jiraan qodobo kale oo qeexaya xoriyada muwaadinka iyo kuwo la xidhiidhinaya baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, hadana waxad moodaa inay qodobadaasu yihiin kuwo aan lagu dhaqmin oo marwalba si badheedh ah loo baal maro, iyadoo aan wax tixgelin ah lasiin. Marka aynu doonayno inaynunu iftiimino arrimahan waxaynu tusaale usoo qaadan karaa qaar ka mida dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee mudadii ka danbaysay doorashadii madaxtooyada, waxaana mudadaa bilaabmay caga juglayn , hatigaad iyo xadhig lagula kacay suxufiyiin iyo dad kale oo ka mid ah taageerayaasha xibga ugu weyn mucaaradka, kuwaasoo ay ugu danbeeyeen koox dhalinyaro ah oo xabsiga loo taxaabay, wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtooyada. Dhalinyaradaa oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM, kana tirsanaa waqtigan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE qaarkoodna kasoo jeedaan qoysas ku caana halganadii is daba jooga ahaa ee dalka waxa qaarkood laga qabtay Hutelka migsing ee magaalada hargeysa, waxa iyana jiray kuwo laga qabtay suuqa, balse waxa jiray mid ka mida ragaa oo laga qabtay madaarka magaalada hargeysa isagoo sida ay sheegeen Eheladiisu u dhoofayay dhinaca dalka ingiriiska oo uu hawlo ganacsi u tegi lahaa,waxayna dhamaan dhalinyaradaasu ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee hargeysa, ilaa hada iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, islamarkaana waxay sheeegeen inaanay garanayn sababta ay u xidhan yihiin iyo waxa lagu haysto
inkasta oo ay xukuumadu ku tilmaantay xadhiga dhalinyaradaa inuu la xidhiidho waxay ugu yeedhay nabadgelyo daro, islamarkaana ay sheegtay in maxkamad loo hor geyn doono sida ugu dhaqsaha badan, laakiin waxay mudo sadex todobaad ah ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee hargeysa, waxayna arrintaasu u eeg tahay mid baal marsan damaanad qaadka xoriyada qofka muwaadinka ah uu siiyay dastuurka s/land.

Waana mid gef ku ah heshiisyada iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha Oo dhamaantood ka hor imanaya xadhiga aan maxkamadi xukumin ee iska haysashada, ah, isla markaana waa astaamaha tilmaanta u ah xukuumadaha digtaytarka ah, sidaa awgeed waxaynu garankaraa inay astaamahanu ahaayeen kuwii keenay halgankii lagaga soo horjeeday xukunkii milateri ee siyaad bare, iyadoo ay dhalinyaradaa qaarkood ku biireen goobaha uu ka socday halgankii hubaysnaa ee SNM,kadib markii iyagoo arday ah sabab la,aan loo xidhay.

Waxa hadaba lagama maarmaan ah inay xukuumadu ka waantowdo xadhiga noocaas ah ee aan waafaqsanayan sharciga iyo in qofka layska xidho oo aan wax maxkamada la horgeyn, iyadoo xukuumadu mudadii doorashada ka danbaysay lasoo baxday dad la xidh xidho oo la yidhaahdo hebel liistaduu ku jiray, taasuna waa mid u eeg habdhaqankii xukunkii hore ee keli taliska ahaa, oo aan denbi u waayi jirin ay ku eedeeyaan qofka.

Sidaa awgeed xukuumada rayaale waxa looga baahan yahay ilaalinta shuruucda iyo dastuurka dalka iyo inay ka waantowdo waxakasta oo lid ku ah xuquuqda muwaadinka Waana in cadaalada la hor keeno cidkasta oo u xidhan si aan waafaqsanayn sharciga, xadhiga dhalinyaradaas waxay dad badani rumaysan yihiin inuu yahay mid siyaasadeed oo loo bixiyay kelmeda nabad gelya daro ,taasoo u eeg inay noqotay mid cidii la doonayo loogu soo gabado,mar hadii aan jirin wax maxkamad ah oo ilaa hada la horgeeyay, si loogu oogo waxa lagu eedaynayo oo hadii lagu helona ay maxkamadu ugu xukunto , hadii lagu waayana xoriyadoodii loogu soo celiyo, hadii kale waxay is weydiintu noqonaysaa xadhiga maxabiista siyasadeed ma waafaqsan yahay dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Top


Roobab Baraf Iyo Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Boorama.

Boorame (Haatuf) - Duqa magaalada Boorame C/raxmaan sheekh cumar ayaa shalay faah faahin ka bixiyayay roobab dabaylo iyo baraf wata oo dabayaaqadii bishan ka da,ay deegaanka ku xeeran magaalada boorame ee xarunta gobolka awdal.wuxuuna saxaafada u sheegay inay rooobab kaasu da,ayeen waqti gaaban,laakiin ay geysteen khasaare, isla markaana ay dumiyeen dhawr iyo toban guri oo isugu jira aqal soomaali iyo jiingado, waxakaloo duqu sheegay inay roobabkaasu dhaawaceen oo ay jareen xadhkaha telefoonada.

Duqa magaalada boorame wuxu intaa ku daray inaanay weli wax wara ka hayn khasaaraha ay roobabkanu ugu geysteen deegaamada ku xeeran magaalada , wuxuuna sheegay inaanay maamul ahaan dabooli karayn inay wax caawimo ah siiyaan dadka ay roobabkaasu khasaaraha u geysteen, kuwaas oo u baahan Hoy,dhar iyo daawo, sidaa awgeed wuxu dadweynaha ku dhaqan magaalada ka codsaday inay wixii awoodooda ah u gurmadaan dadkaas. Warkan oo noo soo diray weriyaha Haatuf ee gobolka awdal wuxu intaa ku daray inay roobabkan khasaaraha geystay ay ahaayeen kuwa xawliga ay ku da,ayeen uu hooseeyo, islamarkaana ay taasu keentay inay waxyeelo gaadh siiyaan guryaha iyo geedaha, iyadoo mudo ku dhow todoba sanadood ka hor roobabkan oo kale ay ka da,een boorame, kuwaas oo geystay khasaare mood iyo noolba.

Top


Hambalyo Aroos.

Hadaanu nahay dhamaan dadka hoos ku qoran waxaanu
habalyo u diraynaa Cabdirisaaq Sheekh Abokor oo ka
mida Somalilandnews.com iyo xaaskiisa Roda Siyaad
Maxamed oo dhawaan ku aqal galay magaalada Atlanta,
GA. USA:

Cabdalle Yusuf Cakule iyo xaaskiisa Bahja Ismail
Cubule, Hooyo Mako Xassan Aadan, Maxamed Sidiiq Cali Diiriye iyo xaaskiisa Yurub Cabdi Cakule, Kaltuun Yusuf Cakule iyo Caruurteeda
Farduus Cabdi Cakule, Axmed Yusuf Cakule, Muna Cabdi Cakule
Ismaciil Cabdi Cakule, Samsam Cabdi Cakule, Asma Cabdi Cakule
Ismahaan Cabdi Cakule iyo Caruuteeda, Hodan Cabdi Cakule, Deeqa Cabdi Cakule, Rooda Cabdi Cakule iyo Caruurteeda, Foosiya Cabdi Cakule,
Safiya Cabdi Cakule iyo Caruurteeda, Mustafe Cabdi Cakule, Khadar Maxamed Cakule.

Dadkan oo dhamaan ka la jooga Maraykan, Canada,
Jabuuti, iyo Somaliland waxa ay leeyihiin noqda kuwii
isku waara, nabad iyo caano hela, ubad khayr qabana
ilaahay ha idin siiyo. Aamiin dhaha dadwaynoow.
 


Faaqidaada adduunka: Shir-Madaxeed Dalalka Carabta Iyo Maraykanka Uga Furmaya Masar, Siciid Guraase.

Sharma Sheikh (W. Wararka) Shirmadaxeed ay ku kulmayaan dalalka ka tirsan carabta iyo madaxweynaha Maraykanka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Degmada Sharma Sheikh oo ka tirsan dalka Masar.

Shirmadaxeedkan oo ay ka qaybgalayaan 5 hogaamiye oo carbeed oo kala ah Masar, Sucuudiga, Urdun, Baxreyn, iyo Ra’iisal wasaaraha Falastiin waxaana shirkaa ka baaqday sida la sheegay boqorka Moroco oo soo diraya cid isaga metesha, waxaanay madaxdaasi ka wada hadlayaan sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan bariga dhexe, ee u dhaxeeya Isra’iil iyo Falastiin, waxaanu shirkani hordhac u yahay shir madaxeed kale oo ay ku kulmi doonaan madaxda Israa’iil, Falastiin, iyo Maraykanku oo todobaadkan ka dhici doona dalka Urdun.

Shirarkani waxa lagu wadaa inay soo afjaraan xiisadii muddada dheer ka taagnayd bariga dhexe, isla markaana ay dariiqa u xaadho dhismaha dal madax banaan oo Falastiin leedahay.

Top


Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxda G8.

BBC-Booliska Swiss-ka ayaa isticmaalay xabado caag ah, qiiqa dadka ka ilmeysiiya iyo biyo culus si ay u kala diraan dad iskugu soo baxay mudaaharaadyo culus oo looga soo horjeedey shirka waddamada G-8-ka.

Dadka reer Geneva saaka waxa ay ku waabariisanayaan magaallo argagaxsan.Mudaaharaadyo socdey dhowr saacadood ayaa badhtamaha magaalada lagu burburiyey oo lagu bililiqeystey. Waddooyinka waxa daadsan muraayado jajabey, darbiyada daaraha magaalada intooda badanna sawiro iyo qoraallo ayaa lagu xardhey.habeenimadii xaley ahaydna, booliska Swiss-ka waxa lagu tuurayey oo roob looga dhigay dhagaxyo iyo bambooyin yar yar oo laga sameeyey baansiin.

Booliskuna waxa ay ku jawaabeen waxa alla wixii sharcigu u ogolyahay ee ay kaga hortagi karaan rabshadahaas, laakiin sidaas oo ay tahay booliska Switzerland wey xakameyn kari waayeen dadkii bannaanbaxayda sameenayey, waxana dantu ku qasabtey in ay booliska Germany ay weydiistaan ciidan lagu soo xoojiyo kooda.

Markii hore, masuuliinta Swissku waxa ay ballanqaadeen in ay ku filanyihiin bannaanbaxyada laga yaabo in looga hor yimaaddo shirka waddamada G-8, iyagoo sheegey in ay filanayeen ilaa boqol kun oo qof in ay ka soo qeybgalaan mudaaharaadyadaas.

Laakiin markii bannaanbaxyadu bilaabmeen, dhowr boqol oo qof oo rabsho wadayaal ah ayaa dul jibaaxay askartii Swisska, halkaasna guryo iyo ganacsiyo ugu geestey malaayeen gini oo khasaara ah.Dadka reer Genevena waxa ay rabi doonaan in ay ogaadaan waxii dhacay.

Top


Shir-Madaxeedka Dalalka G8 Maxaa Ka Soo Baxay?

Paris (W. Wararka) Shir madaxeedka dalalka G-8 loo yaqaan oo ka socda dalka Faransiiska ayaa la sheegay inuu heshiis ku dhexmaray dalalka Maraykanka oo dhinac ah iyo Faransiiska iyo Germany oo ka soo horjeeday dagaalkii ay Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen Ciraaq.

Sida ay sheegayaan wararku waxa heshiiskaasi dhexmaray madaxweynayaasha saddexda dal oo isla meel dhigay xurguftii ka dhalatay dagaalkii lagu qaaday Ciraaq.

Madaxweynaha Maraykanku ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo nabad waarta oo ka dhacda Barriga dhexe, isaga oo booqasho uga bilaabmayso halkaasi, marka uu dhamaado shir madaxeedka u socda dalalka G-8.

Dhinaca kale waxa shirkan ka qayb galaya dhawr ka tirsan madaxda dalalka soo koraya, kuwaas oo kala hadlaya madaxdaasi taageero laga siiyo dhinaca dhaqaalaha.

Shirmadaxeedkan 8-da dal ee dhaqaalaha ka horumaray oo kala ah Maraykanka, Canada, Germany, France, UK, Italy, Japan iyo Ruushka waxa kale oo ay isla eegi doonaan dhibaatooyinka dhaqaale ee ka taagan caalamka iyo sidii looga gudbi lahaa.

Top


Iiraan Oo Gaashaanka Ku Dhufatay In La Baadho Hubkeeda Halista Ah.

Tehraan (W. Wararka) Dawladda Iraan ayaa gaashaanka ku dhufatay in wax baadhitaan ah lagu sameeyo goobaha lagu tuhunsanyahay in lagu sameeyo hubka halista ah ee Nuclear-ka waxaanay taasi ka dambaysay baaq ka soo yeedhay dhinaca dawladda Ruushka oo ugu baaqay Iraan inay ogolaato baadhitaan deg deg ah oo lagu sameeyo goobaha hubka lagu sameeyo ee Iraan.

“Ma saxeexayno wax heshiis ah caalamiya oo kale, iyada oo ay dalalka reer Galbeedku sii wadaan ixtiraam la’aanta iyo u hogaansanaan la’aanta heshiisyadii hore ee ku saabsanaa xakamaynta faafitaanka hubka halista, isla markaana kaalmo uga baahnin in wax nalagala qabto tiknoolajiyadayada aanu u adeegsanayno sida nabadgelyada ah, anaga oo u hogaansan heshiisyada arrintaa ku saabsan” sidaa waxa yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee Iraan Xamiid Ridaa oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Iran ee Tehran isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay Ruushka kala hadlaan cabsida laga qabo hubka halista ee Iraan, iyada oo uu Ruushku yahay dalka Iraan ka caawiya arrimaha Nuclear-ka.

Isaga oo ka hadlaya barnaamijka Nuclear-ka ee Iran waxa uu ku celiyey doodii Iraan ee ahayd inaanay marna u adeegsanayn wax halis geliya nabadgelyada caalamka iyo heshiisyada caalamiga ah ee arrintaa ku saabsan.

Top


Tallaabooyinka Sharon Ka Wado Falastiin.

BBC- Ariel Sharon waxa uu ogolaanshihiisa qorshaha jidka nabadda u soo bandhigay hab u muuqda xaqa'iqa dantiisu ku jirto, halkii ay ka ahaan lahayd tallaabo loo qadayo dhinaca nabadda.

Waxa uu Sharon u sheegey Golihiisa Wasiirada in ogolaanshaha qorshaha Jidka Nabaddu ee Mareykanku wato uu ilaalinayo xidhiidhka Istraatijiyeed ee Israa'iil ay la leedahay Washington uuna ka caawini doono Israa'iil dhaqaalaheeda liita, sababtu waxa ay tahay buu yidhi hormarka diblomaasiyeed waxa uu noo horseedayaa faa'iidooyin dhaqaale.

Ogolaashahan Sharon waxa uu mucaaradad xoog leh uga timid siyaasiyiinta fikradahoodu dhinaca midig u fogyihiin.

Laakiin Mr Sharon dhab ahaantii waxa uu u dabaalanayaa dhinaca mowjadaha siyaasadda waddankiisu u socdaan, aftida laga qaadey dadka reer Israa'iil waxa muujineysaa in aqlibiyad xoogan oo shicibka Israa'iil ah ay taageersan yihiin qorshaha Waddada Nabadda.

Waxa Israa'iil ka jira doodo ku saabsan waxa uu dhab ahaantii uu maagan yahay dagaalyanka odeyga ee reer Israa'iil waa Sharon-ne. Qaar ka mid ah dadka arimaha Bariga Dhexe taxaaliisha ku sameeya ayaa rumeysan in tallaabooyinkiisani cusubi ay yihiin kuwa xeelado ku dhisan oo kaliya, oo lagu qarinayo siyaasaddii hore ee lagu ballaadhinayey deegaanka Yuhuudda ee laga wadey dhulka Israa'iil ay ka heysato Falastiiniyiinta.

Laakiin, qaar kale ayaa rumeysan in Sharon doonayo in xal laga gaadho khilaafaadka Bariga Dhexe inta lagu jiro xilligiisan u dambeeya ee uu hayo xafiiska Ra'iisal wasaaranimada.

Ariel Sharon waxa uu u arkaa qorshaha waddada nabadda in uu yahay mid dhinacyo badan leh oo oglaanaya in laba fasiraad laga baxsho. Tusaale ahaan, Waxa uu Sharon sheegayaa in uu ogolayahay baaqa qorshah heshiiska cusub ee ku baaqaya dowlad ku-mellgaar ah oo Falstiin leedahay inta aan la gaadhin heshiiska kama dambeys ah.

Laakiin meelaha uu qorshaha nabaddu aanu ku kala cedeyn, Sharon si cad ayuu uga hadlay. Waxa Sharon sheegey in dhulka la siinayo Falstiiniyiinta aanu ka badan 50% inta uu ka kooban yahay deegaanka Daanta Galbeed Falastiiniyiintuna xukumi maayaan buu yidhi xuduudaheeda.

Arinkaasi waxa ay Sharon u ogolaaneysaa in uu deegaanka Yuhuudda ku hayo halkiisa. Taasina waxa ay waafaqsantahay mowqifkii ay Israa'iil mudada badan ku dhaganeyd ee ahaa in Israa'iil ay xukunto ugu yaraan 50% dhulka ku yaal Daanta Galbeed si ay u ilaaliso danaha ammaankeeda.

Falastiiniyiintu waxa ay ka cabsi qabaan in dowladda ku-meel gaadhku ay noqoto xalka ugu dambeeya ee Sharon.

Waxana taasi ay Falastiiniyiinta ugu muuqataa, wax magac uun ka leh muuqaal dowladeed, laakiin dhabahaantii ah in la heysto oo aan soo afjareynin khilaafaadka Bariga Dhexe.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Halkani waa raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan Mawjadaha loo yaqaan kaftaniishanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq istergshanka.
Dhegaysayaashayada dalbaha lehow, waxaynu soo gaadhnay xilligii aan idinku gadhqaban jiray wararkii adduunyada, waxaana manta la macaansan doona Weriye Mr. Dhuungal dhoodi galaal.

Isagii oo afka ka xunbaynaya.

Shirkii Kiiniya ee lagu ruquusayay arrinta Soomaaliya, Baaq dhawaan laga soo saaray ayaa lagu dalbaday doob-guuno Caalami ah oo camcaminta la sii wada. Doob-guunadaas oo ay ka dalbadeen wadanka cabiidka xooga weyn ee Maraykanka iyo kuwa yurubta degdegga u maaxday. Waxa kaloo shirkaasi u gacan haadiyay nimanka maasida lagu sheego. Wadankaas oo lagu xanto in ay yihiin furuukh ka hadhay faraacidii hore, kaas oo siyaasad ahaan Afrikana ka tegay, Yurubna ka yaraaday, carabna ka caalwaayay, kaas oo ka mid ah Haadda Soomaalida cunta.

Ergiga reer Sawaaxili, Ambasaar Kildhigaan oo dawladda Kiiniya u xilsaartay shirkaas Soomaalida budusha ka dhigo oo kooxahaas ururay kurkooda dawlad ka sameeyo.

Mr. Kildhigaal, ayaa sheegay in haatan qorshayaashii shirkaas badankoodii uu gorofta ka dhigay oo ay sameeyeen kabihii iyo dharkii ay xidhan lahayd dawladda Soomaaliya dib loogu samayn lahaa. Lebiska uu sheegay in loo sii tolay bahashaas, waxa ka mid ah: Distoor la sheegay in laga soo xigtay diinta reer galbeedka ee dimuqrada la yidhaa oo leh Gambada madaxkuus barjin rayiisal waaro iyo laba jaajuur oo rayiisle ku xigeeno ah, laba gole, sida shankaroonta laga eegtay, midna Baarlamaan noqon doono, midna Guurti istayl loo rabo. Waxa kale oo uu sheegay in shirku sameeyay kayshaligii dawladaasi xidhan lahayd iyo muraaqibkii Taliyaha qaybtaba. Inkasta oo aan la ogayn inuu leekaan doono iyo in kale. Shirkaasi oo in dhaweydba ay is xariifin kaga maqnaayeen qaar ka mid ah. Bahasha ku meelgaadhka ah ayaa lagu soo waramay ogolaadaan shirkaas, kuwaas oo qaar xamar cadho la joogaan, qaar shirka u calaf doonteen.

Hogaamiyaha bahasha ku meelgaadhka ah Jaalle Cabdi Qasab oo shalayto ka tawtaw lahaa BBC-da ayaa yidhi, “Hadee bahashanagii waa ogolnahay shirka kiiniya, BAarlamaankanagiina hadee waa ansixiyay, aniguna hadaan gaadhi isii qaada helo waan tegi doonaa.” Isagoo ka jawaabaya inuu iska sharaxayo, wuxuu yidhi; “Hadee naftayda uma war hayo.”
Mar la waydiiyay waxyaabihii ay qabteen, wuxuu yidhi, “Wayaalo badan baanu qabanay, waxaanu u yeedhyeedhnay Soomaaliya, waxaanu ku guulaysanay inaanu hudheel seexano, waxa kaloonu ku guulaysanay in BBC-du na waraysato, Xasan Bariislana dhanka kale naga eego, in aanu u baala-xooftayno dawladaha Soomaaliya kala goynaya iyo inaanu Mooryaanta ka baqano oo aanu Somaliland gobol ku sheegno.”

Si kasta ha ahaatee, shirka camcamintiisa lagu raagay inuu ka soo raynayo halkii bishii hore, balse habar boqol iyo saddex jir ah ayaa sheegtay in aan weli la gaadhin halkii kala siiban jirtay, taas oo tidhi, “Talada Soomaaliyeed weligeedba waxay kala dhacdaa marka la gaadho dekedda doorashada, wedka dilaana waxa weeye bahalka Madaxweynaha la yidhaa, kaas baa Soomaali qayrkeed ka reebay ee kabaalkii jabkaas waxan odhan lahaa yaan laba samayn.”

Waxa kale oo ay intaa ku dartay, kursigaas Madaxweynaha in ay u sharaxan yihiin dhammaan intii shirka ka qaybgashay oo gaadhaysa sagaal boqol oo qof oo laba boqol habro yihiin, boqolna riyo yihiin oo mid waliba keligii qabiil yahay. Haddii mid la doorto bay tidhi, inta kale waxay noqonayaan hogaamiye kooxoodyo ka hor jeeda, markaa balaayaba Soomaaliya waxay ka maqan tahay intaan Madaxweyne la dooran ee shirka lagu jiro.

Dawladda Kiiniya oo markii u horeysay ee ay qaadato mashruucan Soomaali ka ganacsiga ah, ilaa haddana lama oga in ay ka soo baxayso dawladda laabta uun laga jeclaaday ee meel ay ka jirtana aanay garanayn iyo inuu soo kordhin doono koox cusub oo ku hadasha Habaariyaako.

Sawt Afrika.

Wasiiro reer shankaroonlaan ah oo u midho doonay xagaas iyo Afrika oogo, ayaa lagu soo waramay in ay dalka Sawt Afrikaan mayrax ku mareen, halkaas oo aqoonsi ka fadhid cusub ay ka wadeen. Ishaas oo la sheegayo in ka biyo gaadheen oo ay weftigu isha la helay wax aqoonsi u yara ego o sheeda ka muuqda, waxa iyana warku igu soo gaadhay in wadan Muuse-biig la yidhaadho ay soo marayeen, halkaas oo ay kula kulmeen oday mudakar ah, kaas oo waftiga si raganimo leh u martigeliyay oo digaagad u loogay.

Hargeysa.

Madaxyuubka shankaroonlaand, oo war sheeko laga helay, ayaa tibaaxay in uu weli ruquus-seeshan ku samaynayo dawladiisii cusbayd, waxaana la sheegayaa inuu dhawr marduuf oo wasiiro ah ka naqaysanayo kolayga UDUB iyo wuxuu cago ku qaato.

Kursi doonada qaranka ayaa la sheegay in wasdada kuyuu ugu jiraan oo dhegtii dheeraatay.

Hees.

Habar adyad miidhana,
Ibtiliyo waxyeelo ah,
Aabaheed dab lagu dhufay
Asli ay lahaayeen,
Ayuunbaa ayaamahan,
Odaygan caynkana,
Adiyad iigu timidoo,
Heeso igu asqaysoo,
Waxaan yaabay igu tidhi.

Afxumadu ma fiicnee,
Indhaale habartaaay,
Hooy hooy afyuubooy,
Intikhaabyadii iyo
Arrimihii dhacaayiyo,
Malaa elegshankii baa,
Islaan yahay wax kuu dhimay
Oo kuugu wacan asaasaqa.

Waa maxay jaweyntiyo
Jaawida iyo fooxiyo,
Isa soo jejebintiyo,
Jiniyad iska baadhkiyo,
Hadba jar isku qaadkani.

Sawdigii kibraayee,
Kaambaynka kiciyee,
Kaa seexan waayee,
Kulmiyaa helaayiyo
Kaalayaayda guri jiray.

Imisaan lahaa hooy,
Yaad mirqaan la suuxine,
Sidi qabax iswaaline,
Salka dhigo islaanyahay,
Waaban kaa walaacee,
Ma jawaanadiibaa
Kugu yidhi tiraa dhiman.

Kuma caayi karaayee,
Dawlad fooli haysoo,
Wasiiradii umulaysoo,
Miic miidhanaad tahay.

Udub laba gadhyeeshoo,
Afka taagayaa tahay.

Wasiir sii dhacaayoo
Seexan waayay baad tahay.

Beesha faaanka badaniyo
Faataa-dhuglaad tahay.

Xisbi ciil is-dabayoo,
Dudmo miidhanaad tahay.

Hambalyadii la waayiyo,
Habar waalan baad tahay.

Tuu hadraawi sheegoo
Sii kibirtay baad tahay.

Carbalaayadaas daaya,
Bilistaa bidaarta leh.


Siddi- Siddi Selebareyshan Iyo Biriq Biriq Politician, Weriyaha Xogta Sooyaalka Ee Raadiyow Ma Qaloocshe.

Sheekadii Shamis Caalin.

Rugta Soomaali Maxamed ee meelo badan markii la isugu maandhaafey wax walbana la isku diidey lana ciideeyey xeedho weyntii madaxtooyaddii Muqdisho ee uu ku dul-hawaarsaday ninkii loogu yeedhi jirey magacii awoowgii. Inta cadhadii la baas mareeyey magaciisii loogu wanqalay la baqo roggay goor galab ah oo ay taariikhdu ahayd 1991-kii horaadkiisii, galabtaasi waxa ka jaciirtay taariikh, isla yaabka diiday siina hagoogtay aayaddo dhukusaysa oo aan cid la xisaabtamin, waxayse gole madaxeedkeedii shareeraa ee bahalo galeenka ahaa koodh weyn oo sudhan geed oo ay ku jiraan hanka iyo jacaylka kursi madaxeedka iyo halaqyo waxaana si si-daba jooga uga dhaashay siiba Koonfurta dawladihii maada waana sidan.

Ii ducee government (waa dawlad ee rag jiraa ku yidhaahdeen ninkii magaca madaxa ahaa ee sii qaxayey “aabo noogu ducee”.

Isaga oo jiriqsanaya oo dhoola caseynaa oo wejiga kala midabeyna, ogna halkaas ragga ducada ka sugayey inay ku jiraan rag maanta aanu sina u bixin karin, waxaanu ku caleemo saaray koodhkii halaqyadda ee geedka sudhnaa.

Isaga oo hagar la’aan ugu furay bahalo 20 sanadood hub lla huurka ahaa ee lagaga soo daldaley hantidii dalka guurto, iyo ma guurto-ba Alle ma yabaan ruushka iyo Mareykana carabtuna daba shaxaadeysyskii khabiirada wey ee cilmiga raad raaca, sooyaalka u bidaaraysatay ee Shamis Caalin waxay tidhi “waddaadkii galbaday waxa uu isku sii axan iyo fideeyey kuwii hebelo lahaa ee ahaa dhiig la yuurarka isa sii eedeysane waxa k a dhashay markaan soo koobo.

-Dawladdii “Maalkay” 1992-kii
Dawladdii “Muraayo” 1992-kii Djibouti
Dawladdi “ina Qaali Unisom” Xamar, 1993-1994-kii
Dawladdii Sinno baahsan 1995-1996-kii.
Dawladdii Suryar Qaahira
Dawladdii Sii qaxa iyo Hawaase, soo qax Adhis ababa.
Dawladdi Caris Carta iyo qaar kaloo badan.
Oo u adeegayey waxyeelaynta bulshada Soomaaliyeed.
Iga Goo Halaqa (Somaliland).
Isla markii uu ka bilaabnay soomalida xuruubtii shirbiskii dhiig-daadiye.

Dhinaca kale waxay khabiiradu waxoog ka tidhi “Dawladdii ugu horeysay dhinaca waqooyiga oo ka duday casuumaddii halaqyada samaystayna dawladdii ugu horeysay ee maka “Mudhay” 1991-kii, Burco bishii Mey dibna loo meher-xaday markii loogu masaafeeyey Boorama 1993-kii, hase ahaatee si bilaa turxaan ah la isugu haneeyey. Taasoo sinbiririxatey ayaddoo labo dhal ah kii saddexaadna kuftintii kaga soo dhacay oo qoys-weynidii reer shankaroonland kala maqnaayeen in muddo ah ayaddoo aafaddu ka dhacday “Aabahayo ayaa laga baxay, shankaroonland iyo waa tii isaga fasaqday iwm”.

Hase ahaatee waxay kala weji dadbaanba waxay Shankaroon loo meher xalaaleeyey 1997-kii, inkasta oo ay waddaadadu lahaayeen wuu yar yaraa marxalalayaa, may dhicin sidaas darteed markaas iyo mar ka sii horeeyeyba waxa dudmo halaqyaddii ugu galay Shankaroon Land oo aan culays kafad dejis ah ahayn oo ilaa haatan qaba xannuun aan Koonfur ciil la yuurar ha u bixin la yidhaa.

Marka lagu noqdo taariikhda ihii o hooda ee dhinaca dhinacyeyneysay fagaaraha u dhexeeyey Gole gole iska eega ee xilligii 1997-2002-kii, waxay isku meydhay geed joogta dalka Shankaroonland, soo goollaaftankii distoorka iyo hiqitaankiisii oo ku sigtay in la raaciyo dixda balaadhan ee maroodi jeex ee dhex marta magaalo madaxda dalka ee ah Al-masiibo ka soo doogga ah ee cid walba qaada jinka iyo insigaba, ayaddoo waayo arag buuxa ku noqotay mahadhooyin muddo soo marayey. Taasoo aan looga hiilin hoona loo fidin ilaa heeyda mooye.

Odeygii distoor wuxuu soo daalaa dhaco oo yur iyo judba la guraba waxa uu si qurux badan oo aan malaha la yara buunbuunin si xalaal ah ugu geed fadhiistay ninIna shankaroonland waxaana ay si deg deg u dhashay “UU”, SAAS” “BIRHOR” “KUUL”.

Ka soo yaacii sawaxankii ka dhashey dawladda iyo salaadiintii gorofku ka buuxsamey ee waxa yara goconaysey waxa shankaroonland u shafeecay (BIRHOR) (SAAs) waxaana orodkii geedka soo nabad gaadhay KUUL iyo la xigee.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Waa Mar Aad Gaadhi Weydo Iyo Mar Aad Garan Weydo.

Waxaa isweydiin leh taladii 60-kii Somaliland ku tagtay Koonfur Afrika iyada oo xornimo iyo madax banaani la haysto, waxay is-weydiintu tahay maxay keentay arrintaasi dhibaato maxaase laga faa’iiday?

Waxaa fiican in dadka reer Somaliland xasuustaan wixii soo maray.

Xornimo laalkii 60-kii waxaa laga faa’iiday dhibaato naf iyo maalba leh, iyo dib dhac 43 sano ay dadka reer Somaliland ku galabsadeen abaal darro kaga timid dadkii ay xornimadoodii u dhiibteen.
Maanta waxaynu ka hooseynaa maalintii 60-kii ee aynu xornimada godka inagaga dhacday, waxaa xusuus mudan in gumaystihii Ingiriisku inoo ogolaa in aynu ka qayb galno barwaaqo sooranka adduunka (CommonWealth) taladeeniina waxay ina dhaxalsiisay tan aan maanta ku jirno.

Waxaa isweydiintu leh muxuu saamayn ku yeelan karaa shirka ka socda Kenya siyaasadda Somaliland haddii uu suurto galo, waxaa iska cad in uu inagu keeni karo, dhibaato siyaasadeed haddii aan laga tashan, waxaa la inoo sheegay in ciidamo hub ka dhigis ku samaynayaa imanayaan Soomaaliya, haddey dhacdo oo ay yimaadaan ciidamadaasi goboladeena Sool iyo Sanaag Bari ee ay joogaan ciidamada Koonfureed oo ay halkaa ugu yimaadaan saw labadaa gobol la xeer noqon maayaan oo raaci maayaan go’aanka koonfurta lagu fulinayo, miyaaney markaa kuwaasi maanta la mid ahayn taladii 60-kii lagu lumiyey xornimada Somaliland oo aanay waliba halkaa ku lumayn masiirkii iyo himiladii ay lahayd Somaliland.

Saddexda gobol ee hadhay maxay qiimeyn yeelanayaan, halkaa waxaa ka cad in ay luntay khariiradii iyo jiritaankii Somaliland, waxaan markaa u soo jeedinayaa dawladda iyo shacabka reer Somaliland in la soo celiyo masiirkii Somaliland lana gaadho xuduudaheeda si mawqif midaysan loo yeesho oo aanay jirin kala qaybsanaan cid walibana garato hawsha inta kaga Aadan, waana wax fudud sida arrintaa looga midho dhalin karaa aragtidayda.

Waxaa arrin lala yaabo ah in labada Garaad ee ka soo hadlaya Boosaaso ee heshiisiinta ka dhex wada kuwa isku haya maamulida Puntland mar hadday nabadayn ku jiraan, xaggay ku tiriyeen arrintii Madaxweyne Rayaale lagu soo weeraray Laas-caanood, ciidamada falkaa geystayna ay wali joogaan Laas-caanood, haddey nabad ka hadlayaan arrintaa xaggay kaga tageen, mase xasuusan yihiin oo ma ka hadli doonaan.

Markaa waxaan ku soo gebagebaynayaa kuna talinayaa in arrintaa laga hadlo sida ugu deg-dega badana loo gaadhsiiyo qaramada midoobay, midawga Afrika, midawga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo dalalka hormoodka ka ah hubka ka dhigista Soomaaliya in aan la soo faro gelin jiritaanka iyo xuduudaha Somaliland loona aamusin mawqif cadna laga qaato.

Waxaanu mar labaad soo jeedinaynaa in aan lagu dhicin talo xumaantii 60-kii ee la garto tan maanta aynu taaganahay lana ilaaliyo isku duubnida iyo jiritaankeena.

Axmed Xayir Xasan, Laas-caanood, Somaliland.

Top  


Xilka Siyaasi Sahlanaa!!

Wuxuu yidhi ma doonaysaa inaad ku jirtid had iyo goor amaba liiska isbedelada jagooyinka sare ee dalka, gaar aahana kuwa loo nisbeeyo siyaasadda sida, Madaxweyne, Wasiir, ku xigeen, iyo agaasime guud, iwm. Hadday taasi dani kaa hayso, waa sahal sida lagu helaa ee waxay kaaga baahantahayna ha iskaga lumin wakhti.

Horta wakhti ha iskaga lumin inaad baratid cilmi sidaas u sii fog oo qorista iyo akhriska afka hooyo kaaga filan, taas siyaasaduna ha moodin cilmi ee waa xarfad iyo shidaarad waana dhaqan aad u yeelan karto.

Waa haddii aad u haysid himad ood iyada awgeed u nooshahay, doonaysidna inaad ku noolaato, haddaad dareentid inaad u noolaan karto sidii aad ka dib ugu noolaan lahayd iyadaas qaado taladan.

Marka hore isku eeg oo ku tijaabi saaxiibadaa, sidaad had iyo goor ugu dhex jiri lahayd adiga oo ku danaysanaya iyaga oon ku dareemin, amaba hadday kugu gartaan danaystanimada aad haddana uga dhexbaxdeen dantaada aqgeed, oo sidaad marlabaad adiga oon ujeeadadii iska bedelin haddana waji cusub oo xilliga la socda kula dhaqmi lahayd, hadday kugu aqbalaan fiican. Haddii kale haddana waji doors ila ay iska kaa aqbalaan , taasi haddii aad ku guulaysato uga gudub reerka, oo isla hawshii kula dhaqan odayadooda ilaa ay gacanta kaa qabanayaan ooy kaaga gaynayaan goobta xulashada mansabyada siyaasadda dalka, markaa aad isku hubsato inuu magacaagu gaadhay halkaas ogow inaad qalin jebisay halkaas laguu dhiibana ugu shaqayso inaadana ka bixin liiska aad gashay oo ha ka xidhiidh furan kuwii ku soo gacan qabtay, isku hawlin inaad raali geliso ka ku magacaabay isaguba sidaada ayuu ku yimade.

Xilkaas ka dibna ka cabsi qabin inaad hoos uga dhacdid, hadduu marka hore ku eryo, ilayn isaga waad ka mashquulsanayde, iska sug oo waliba mucaarid u dallac oo kuba shid isaga ayaa kuu yeedhane, ama ka beddelaa waa qasab inuu ku qorto.

Haddaba ma kuu sheegaa sidaad adkaysi ugu yeelan karto, ha iga xanaaqine, waa adiga oo birma-geydo yeesha, oo xakamihii la odhan jiray xishood ka ilbaxa oo dabayshu xaggay kuula kacdo aan iska qaban. Haddii hanti wadaag la doono waad tahay, haddii hanti goosad doono waad tahay, haddii dimuqraadi la doono ilaa dumarku inay furaan ragga ayaad kuba jirtay ololihiisa, haddii la isku soo cidhiidhiyo oo lagu dhaqmo xeerka Islaamka.

Imaamka masaajidka ayay daba taal siyaasadaadu, weliba ku qor magacaaga iyo cinwanka lagaaga yeedhi karo marka jagadu kuu soo baxdo.

Midna iska ilaali oo ilbax noqo ha xanaaqin haddii maanta lagu casilo oo durba afka ha kala qaadin ileyn laga yaabaa in berriba laguu yeedhaaye oo meel ka weynba laguu dhiibaaye, sideed tahay soodigii liiska galay, ma xul kale ayaa la isku hawlayaa aidga ayaaba lagu dhaqan bartaye. Cajab Alleh xilku culusaa oo xulasha fududaa dadyahaw mise waa xal ee maaha xul.

C/laahi Hargeysa 8/08/94

Top  


Dadku Ha Kala Saaro.

Anaga oo tixraacayna baaqii ku soo baxay wargeyska Haatuf tirsigiisu ahaa 344, kuna taariikhaysnaa 1 June ee Axadii cinwaankiisuna ahaa Baaq koox mujaahidiina. Waxaanu haddaba leenahay haddii aanu nahay mujaahidiinta hoos ku qoran wax ala waxaaanu kaga jiray iyo wax aanu ka ognahay midna ma jiro, haddaba nimankaa maqaalkaa qoray ha kala saaraan aniga iyo anaga.

Mawliid Axmed Cabdi, Naasir Qalinle Cabdi, C/laahi Yuusuf.

Hargeysa.

Top  


Waa Maxay Muxaafid Iyo Mucaarid?

Muddo kooban ayaa Somaliland hir gelinaysay distoorka wadanka iyada oo si habsami ah loogu xigsiiyey dhisitaanka hanaanka asxaabta badan ee u tartamaayey doorashooyinkii dawladaha hoose iyo dhamaystirkii doorashada hogaanka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Wakhtigaas lama socodsiin talaabadii ugu midiimsanayd doorashada baarlamaanka iyada oo la baal maray distoorka qaranka si loo meel mariyo arrin aan dadku ogayn dartii. Waxaa hubaal ah oo aan qarsoonayn in shacbiga reer Somaliland meel kasta ha joogeene si habsami ah xushmad iyo kala danbayni ku dheehantahay u guteen waajibaadkoodii iyaga oo aan cidna mahadcelin ka sugaynin. Iyada oo waxa ugu weyn ee ay naawilaayeena ahayd inay doortaan una codeeyaan cidda ay filayaan in ay wadanka horumar u horseedi doonto.

Sida ku cad distoorkeena oo asaaskiisu yahay nabad, kala danbayn, cadaalad iyo sinaan isaga oo salka ku haya diinta Islaamka, waxaa illaalintiisa loo xilsaaray dadweynaha qofkii wax u dhima ama soo dhaafana waxaa xil ka saaran yahay dawlada siiba laamaheeda ay khusayso. Marka aynu halkaa marayno waxaa mudan in la’is weydiiyo lana qeexo waa maxay MUXAAFID muxuuse yahay MUCAARID.

MUXAAFID waa qof kasta oo u dhawrsan distoorka jamhuuriyada Somaliland illaalinaayana jiritaankeeda iyo caddaaladeeda wadanka balse waxaan doonayaa inaan cadeeyo in MUCAARIDKU ka mid yahay dadka jecel doonaayana waxkasta oo horumarka jamhuuriyada Somaliland danteeda ah sifahaasina ka dhigaayo MUXAAFID dadka looyaqaan MUCAARID. Shacbiga ama xisbiga oo MUCAARID ku ah sida xisbiga talada haya. Mucaarid astaantiisu waa iyaga oo xisbiga talada haya saluuga horumarka uu wado iyaga oo aaminsan hubana in ay hakiyeen amabase ay gabeen xillalkii loo igmaday halkaas oo mucaaridku muujiyo sifaha ay wax u qaban doonan si ay u buuxiyaan god daloolada xisbiga talada haya ka maagay ama kasban kari waayey. Qof kasta oo reer Somaliland ah waxaa la gudboon inuu xisaabtamo oo si siman u eego Muxaafidka iyo Mucaaridka sifahoodana is barbar dhigo doodooda iyo falalkoodana tix raaco. Qof kasta oo debedda ka jooga siyaasadu waa inuu ugu horayn raadiyo xaqiiqda dhabta ah oo uu eego habka loogu dhaqmo distoorka Somaliland. Xisbiga xukunka hayaa waa ka u xilsaaran dhawrista iyo ku dhaqanka distoorka taasoo ay ku noqon karaan xisbi dhawrsan oo daacad ah (MUXAAFID DISTOOR), waa in ay dhimasho kaga adkaato ku talaabsiga fal lid ku ah distoorka qaranka.

Waxaa is weydiin mudan xisbiga talada hayaa ma MUXAAFID distoor baa mise waa MUSTACMAL distoor? Sidee ayuu u noqonayaa MUSTACMAL distoor, wuxuu u noqonayaa MUSTACMAL distoor marka uu ku fushado danihiisa gaar oo ah gacan ku haynta maamulka wadanka qiimo kasta ha ku fadhidee. Maxaa cadaynaaya in aan xisbiga talada hayaa MUXAAFID ahayn, waxaa cadaynaaya maamulkooda guud, ficiladooda gaar ee ka dhanka ah distoorka, dhawrsanaan la’aanta hantida dalka, wax qabad l’aanta laamaha dawlada, kursiyo badnaan aan tayo lahayn, cadaalad darrada xoog muquuniska ah, magacaabista xilalka farsamaysan aan waxqabad cayiman lahayn siiba wakhtiyada doorashooyin soo dhaw yihiin ee danaha gaar laga leeyahay IWM. Adeegsiga distoorka marka loo isticmaalo in uu noqdo hangool faraaro leh oo dadka qaar lagu fogeeyo laguna xidho cidii xisbiga talada haya dhaliila isna hortaaga sida arimaha maalmahan danbe soo ifbaxaaya in MUCAARIDKA laga dhigaayo feedh qaloocda kadibna ay u muuqdaan kuwa wajalaaya majiiraha hanaan-socodka Somaliland, qaar xaalad iyo xasilooni abuur ah. Tilmaamida laamaha distooriga ah ee lagu tuhunsanyahay cadaalad daraan taas oo u adeegta xisbiga talada haya toosna u baal marta distoorka falalkaas oo cidii wax ka sheegta muujisana dhaleecahooda sida ku caanka ah hanaanka asxaabta badan xisbiga talada hayaa u muujiyo dad ka distoorka iyo jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda. Ugu danbayn shacbiga oo la cabudhiyo loona diido xoriyada dhaq dhaqaaq socod ama cod ay ku cabiraan dareenkooda diidmo ama yeelmo habka haanaan socodka wadanka, illaalinta distoorka iyo suaalaha ay ka qabaan falalka xisbiga talada hayaa ku dhaqaaqo amase laamaha distooriga ahi ku kacaan. Waxaa loobaahan yahay in la kobciyo aqoonta shacbi weynaha si ay u kala saaraan xisbiyada iyo xeerarka distooriga ah taas oo astaan u ah Dimoqraadiyada Jamhuuriada Somaliland oo gebi MUXAAFID loo wada yahay.

Gebogebo: Shacabku iyaga ayaa keenay xisbiyada oo ay kuraas u fadhiyaan, laakiin xisbiyadu may keenin shacbiga wadankana uma joogaan maxaabiisna uma aha isla markaa shicibku awooda ayay u leeyihiin in ay bedeli karaan xisbigay gartaan inaanu u qalmin haynta talada wadankan qaaliga ah. Waxaan horqabasho lahayni dabaqabasho ma laha, awr waliba awrka ka horeeyuu socodkiisa leeyahay yaan layska idho tirrin dhaliilaha yaal ee aynu isa saxno, isqabano, is wacyi gelino hadii kale weligeen dulmi, danayste iyo digtaatoori ka bixi mayno.

Dr. Cali Keli, London.

Top  


Tartan Kubadda Koleyga Ah Oo Lagu Xusayo 18 May Oo Ka Furmay Boorama.

Boorama (Haatuf): Tartan Kubadda Koleyga ah oo loogu talo-galay munaasibadda 18 May ayaa ka furmay shalay. Tartankaas oo ay ka qaybgeli doonaan lix kooxood oo kala ah: Jaamacadda Camuud, Xarunta TB-da, Ciidanka Qaranka, Booliska, Dawladda Hoose iyo Wasaarada Waxbarashada.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, tartankan oo qabashadiisu dib u dhacday, waxa xafladii furintaanka ka qaybgalay Isu-duwaha Ciyaaraha Gobolka Awdal, C/Wahaab Yuusuf Ahmed, kaas oo sheegay in muddada loogu talo-galay tartankaasi ay tahay muddo 15 cisho ah oo ay ku loolami doonaan lixda kooxood koobkaasi.

Isu-duwuhu, waxa uu uga mahadceliyay Muwaadin reer Boorama ah oo magaciisa la yidhaa Mire Guure, kaas oo uu sheegay isu-duwuhu inuu ka qaybqaatay dib u habaynta garoonka kubadda kolayga ee Boorama oo tartankaasi ka dhici doono iyo diyaarinta diyaarinta agabka tarkankan.

Top  


Cabdifataax M. Caydiid: Bayern Munich Oo Ku Guulaysatay Koobka Jarmalka (German Cup), Michael Ballack ayaa laba gool u dhaliyay mid kalena sameeyay.

Berlin (Reuters): Xiddiga Jarmalka ah ee Michael Ballack ayaa si geesinimo leh ku booriyay kooxdiisa Bayern Munich in ay 3-1 kaga guulaysato kooxda Kaiserslautern sabtidii toddobaadkan ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee Koobka dalka Jarmalka (German Cup), taas oo ka dhigtay markii afraad ee ay ku wada guulaysato koobka dalka Jarmalka iyo Liiga labadaba.

Ciyaar-dhisaha (Playmaker) Jarmalka ahi wuxuu dhaliyay labada gool ugu horeeyay, ka hor inta aanu dhisin ama qayb ka noqon goolka saddexaad, taas oo in kooxda Horyaal Jarmalka ahi ku guulaysato markii 11aad koobka Jarmalka. Waxa kale oo ay labada koobka ee koobka Jarmalka iyo liiga kuwada guulaysteen labadaba sannadihii 1969, 1986 iyo 2000.

Sidoo kale, kooxda Bayern Munich waxay si raaxo leh ugu guulaysatay markii 18aad Horyaalka Liiga Jarmalka bil ka hor, iyadoo ay ciyaaraha liiga ka hadhsan yihiin afar ciyaarood.

Ballack ayaa madaxa ugu dhaliyay Bayern Munich in ay hogaanka qabsato kubad xor ah oo uu soo laaday ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara ee u dhashay Ingiriiska Owen Hargreaves saddex daqiiqo markii ay socotay ciyaartu. Toddoba daqiiqadood kadib, ayuu Ballack libinlaabay natiijadii ciyaarta, kadib markii uu goolkiisii labaad ahaana goolkii labaad ee ay kooxda Bayern hogaanka ku sii adkaysato u dhaliyay markii ciyaartoyga Owen Hargreaves lagu riday khadka goolka gudihiisa, waxaanu garsooruhu u qabtay rigoore oo uu u laaday Michael Ballack.

Ballack ayaa kubad u baasay gooldhaliyaha reer Peru, Claudio Pizarro, kaas oo kala booday kubadda goolhayaha kooxda Kalserslautern ee Tim Wiesse, waxaanu ciyaartii ka dhigay in ay Bayern Munich 3-0 hogaan ku qabato shan daqiiqo markii la ciyaarayay qaybtii dambe ee ciyaarta.
Gooldhaliyaha Jarmalka ah ee Miroslav Klose ayaa isagu u dhaliyay kooxdiisa Kaiserslautern gool uu madax ku dhuftay laba daqiiqadood kadib, balse ma noqon goolkaasi mid wax ka bedela natiijada ciyaarta oo ku dhammaatay guul ay Bayern Munich 3-1 ku guulaysatay.

“Sannadkii hore waxa aan ku guuldaraystay ciyaartii kama-dambaysta ahayd, laakiin wakhtigan waan helay koobkii,” ayuu yidhi Ballack, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi: “Dhammaan kooxda waxay u ahayd muhiim in ay ku guulaystaan maanta. Goolashii wakhtigii hore dhashay, ayaa ahaa aasaaska guusha aanu gaadhnay.”

Kooxda Kaiserslautern oo ka badbaaday in ay liiga ka hadho, dhaqaalo xumana ku habsatay xilli-ciyaareedkan, ayaa laga saaray ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Marian Hristov, kadib markii uu si xun qabtay ciyaartoyga Bayer nee Elber daqiiqadii 78aad.

Kooxdan Kaiserslautern oo afar jeer ku guulaysatay horyaalka Jarmalka, waxa ay ciyaareen ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee toddobaad, waxaanay rajaynayeen in ay markii saddexaad ku guulaystaan koobka Jarmalka, kadib markii ay ku guulaysteen sannadihii 1990 iyo 1996-kii, laakiin Bayern ayaa baabi’isay qorshahoodii.

“Maan filayn in ay ciyaartu sidan noqonayso” ayuu yidhi Tababaraha kooxda Kaiserslautern, Erik Gerets, waxaa intaa raaciyay oo uu yidhi: “Waxay wax walba dhammaadeen ka hor intii run ahaantii bilaabminba.”

“Nasashadii ciyaarta ayaa waxa lay ogeysiiyay in ay ciyaartoydu is dhiibeen. Waxaan dareemay dareen mar horeba ah in aanan awoodayn in aanu guulaysano.” Sidaa waxa yidhi Tababaraha Kaiserslautern oo ka hadlayay guul-darada soo gaadhay.

Balse, kooxda Koonfurta Jarmalka ah ee Kaiserslautern, waxa ay ogayd in ay kooxdeedu haddii ay guulaysato iyo haddii kale in ay UEFA Cup-ka ciyaarayaan, halka kooxda Bayern Munich ciyaari doonto Horyaalka Yurub (UEFA Champions League).

Tababaraha kooxda Bayern Munich, Ottmar Hitzfeld, ayaa noqday tababaraha ugu guulaysiga badan tartamada, waxaanu liiga Jarmalka ku guulaystay lix jeer, taas oo afar jeer kula guulaystay Bayern Munich, laba jeerna Borussia Dortmund; Koobka Jarmalkana waxa uu ku guulaystay laba jeer oo kula guulaystay Bayern Munich; Horyaalka Yurub (European Champions League) laba jeer oo uu ku kala guulaystay Borussia Dortmund sannadkii 1997-kii iyo Bayern Munich sannadkii 2001. Waxa kale oo uu ku guulaystay laba jeer oo horyaalka Liiga Swiss oo uu la guulaystay kooxda Grasshoppers, iyo saddex koob oo ah koobka Swiss-ka (Swiss Cup) oo uu la guulaystay kooxda Grasshoppers.

“Xilli-ciyaareedkani waxa uu ahaa mid nagu adag annaga, laakiin dhammaadkii maalintaa waxa aanu helnay laba koob.” Sidaa waxa yidhi tababaraha Bayern Munich, Ottmar Hitzfeld, waxaanu intaa ku daray; “Ciyaartoydu waxay u dhaqmeen sidii khabiirada, runtii ma ay doonayn in ay ka tagaan.”

Top