|
Munaasibadii Ciidul-Fidriga Iyo Duruufihii Kala
Duwanaa Ee Lagaga Ciidday Caasimadda Hargeysa Iyo Gobollada Somaliland
“Dhowaan Ayaanu Shirkadaha Sucuudiga Kula
Kulmaynaa Riyaad, Waxaanuna Ku Kalsoonahay In Xayiraadda Laga Qaado Xoolaha
Somaliland”, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland
Hay’adda WFP Oo Raashin U Qaybinaysa
Dadka Abaartu Tabaaleysay
Caalamka Islaamka Oo Duruufo Kala
Duwan Ku Xusay Munaasibadda Ciidda
Madaxweyne Rayaale Oo Laga Filayo Inuu
Isku-Shaandhayn Iyo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirrada, Yaa ka
mid ah Shaqsiyaadka iyo Wasaaradaha ay Tallaabadani Saameynayso?
Cibaarooyinka Taariikhda
Siyaasadeed Ee Somaliland 1884-2003
Qore: Cabdirisaaq Caqli – Q: 7aad
Dad Cusub Oo Loo Qabqabtay
Qaraxyadii Ka Dhacay Istanbuul
Xabad-Joojin Ka Dhaqan Gashay Xuduudda
Hindiya Iyo Pakistan
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Aragtida
Qurba-Jooga UCID Ee Mustaafurinta Ajaanibka
AF-JINACLEY
Sheeko – Waxay Qoray A. A. Garas, Waxana Tifaftiray A. Ducaale - Q: 3aad
WAADIGA CIYAARAHA: Xalay Iyo
Ciyaarihii Championship League
|
|
Munaasibadii Ciidul-Fidriga Iyo
Duruufihii Kala Duwanaa Ee Lagaga Ciidday Caasimadda Hargeysa Iyo
Gobollada Somaliland, Su’aashii dadku iska Weydiiyay dhinaca
Madaxweynaha, Sixmadii Qaadka
ee Gelinkii dambe iyo Warbixinaha Weriyayaasha Haatuf ee gobollada
Fog-fog |
Hargeysa (Haatuf) – Salaaddii Ciidul-fidriga
ayaa shalay laga tukaday caalamka islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan
dhulka Somaliland, iyadoo gobolada iyo degmooyinka Somaliland dhamaantood
laga tukaday salaadda Ciidul-fidriga, taas oo ay dadka magaalooyinka
Somaliland ku dhaqani tukashada salaadda Ciidul-fidriga iyo damaashaadka
munaasibadda Ciidda si weyn isugu soo baxeen masaajidada iyo garoomada,
waxaana meelkasta dadweynaha kula tukaday masuuliyiinta dawladda ee kala
duwan. Hase yeeshee caasumadda Hargeysa madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin
iyo madaxweyne-kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa dadweynaha kula
tukaday Masjid Jaamaca weyn, waxayna dadku meelkasta oo ay joogeen ku
ducaysteen in illaahay ka kor-qaado dhibaatada abaarta ee ka taagan inta
badan gobolada Somaliland. Laakiin masuuliyiinta dawladda ee dadka la
tukaday hadii ay yihiin kuwa gobolada iyo hadii ay yihiin hogaanka sare ee
dawladda ayaa iyaguna kelmado ku wajahan munaasibadda ciidda ka jeediyey
meelihii ay dadku isugu soo baxeen.
Madaxweyne Rayaale waxa koleyba laga filayey dadka u jeediyo khud-bad ku
wajahan munaasibadda ciidda, kana hadlo xaaladaha kala duwan ee dalka ka
jira, gaar ahaan arimaha maamul iyo siyaasadeed ee hogaankiisa oo uu ka
waramo halka uu xaal marayo, iyadoo ay sida caadiga ah madaxda dunida
islaamku fursadahan oo kale uga faa’iidaystaan khud-bado ay u jeediyaan
shucuubtooda, taas oo ay uga waramaan xaaladaha ay dalalkoodu ku sugan
yihiin, uguna bushaareeya wixii yididiilo ah ee jira, laakiin madaxweyne
Rayaale kama ay soo bixin wax ka badan dhawr erey oo duco ah, taas oo uu
Masjid-Jaamaca ka jeediyey ka dib markii laga soo jeestay tukashadii
salaadda, wuxuuna yidhi “Waxaanu illaahay ka baryeynaa inuu sannadkan
sannadkiisa inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo badhaadhe, waxaynuna illaahay
waydiisanaynaa inuu inaga soo furto abaarta ina haysa oo uu inaga aqbalo
ducadii aynu samaynay maalintii dhowayd. Ummadda reer Somaliland-na meel
kasta oo ay joogto waxaan illaahay uga baryayaa inay ku noolaato amni,
iimaan iyo barwaaqo”.
Intaa ka dib Madaxweyne Rayaale waxa uu ka baxay albaabka masaajidka,
wuxuuna dib ugu laabtay qasriga madaxtooyada iyadoo ay hareeraha ka
yaacayaan duub-casta ilaaladiisa oo hareeraha ka lusha raxan baabuur ah.
Runtii dadku aad bay ugu dhegtaagayeen inuu madaxweynuhu munaasibadda
ciidda darteed ka hadlo xaaladda dalka iyo hadii uu hayo wax bushaaro ah
oo cusub, laakiin markii ay dadku taa waayeen waxa dareenkooda ka soo
baxayey waxoogaa dunuunuc ah, iyadoo ay dadkii madaxweynaha meel kula
tukaday qaarkood iswaydiinayeen “madaxweynuhu muxuu u hadli-waayey”, halka
ay dadkii meelaha kale ku tukadayna dadka dhinaca Masjid Jaamaca ka yimi,
gaar ahaan colka saxaafadda ku badiyeen su’aasha ah “madaxweynihii ma
hadlay”, taas oo marka ay jawaabtu noqoto “maya ee wuu duceeyey” ay hadana
soo tuurayeen “Oo muxuu u hadli-waayey”.
Nin ka mid ah dadkii Masjid Jaamaca ku tukaday oo fadhiyey safka ku saddex
ah safka u horeeya ee madaxweynuhu fadhiyey ayaa markii salaadda laga soo
jeestay kor u dhawaaqay, kuna tiraabay ereyo ay ka mid yihiin “Dawladda
waxaanu leenahay aanu amaan helno”.
Inkasta oo aan ninkaa la wada fahmin ujeedada hadalkiisa, hadana markii uu
dhawaaqa caynkaas ahi ka yeedhay masaajidka dhexdiisa dareenka dadkii
masaajidka ku sugnaa oo dhan ayaa jaleecay dhiniciisa, waxaana abuurmay
waxoogaa guux iyo xanshashaq ah, waxaase ninkaa la hadlay oo shucuurtiisa
dejiyey wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan oo saf ku xiga safka
uu fadhiyey ninka dhawaaqay, isaga oo u kacay goonina ula faqay.
Salaadda ka dib waxay dadku ku baaheen suuqyada iyo wadooyinka magaalada,
waxaana guud ahaan dadka caasumadda Hargeysa ku dhaqan shucuurtooda ka
muuqday jawi farxadeed, iyaga oo isdhaafsanayay kelmadaha caanka ku ah
munaasibaddan oo kale, sida “Ciid mubaarak” iyo “Saamaxnaakum”, waxayna
dadku ku faafeen booqashooyinka qaraabada iyo asxaabta, iyaga oo isugu
hambalyeynaya munaasibadda ciidda.
Farxadda ciidda awgeed kumanaan caruur ah iyo waalidiintood oo
dal-dalsanaya ayaa iyaga oo inta badan lebisan dhar cusub, farahana ku
sita alaabta ay caruurtu ku ciyaarto dhexmushaaxayey suuqyada, meheradaha
wax laga cabo iyo xaafadaha magaalada, isla markaana waxa magaalada ku
badnaa sawaxanka iyo cidhiidhiga dadka iyo baabuurta isu soo baxa
munaasibadda ciidda awgeed.
Inkasta oo ay inta badan dadweynaha reer Hargeysa ku ciideen jawi
farxadeed, hadana taa macneheedu ma aha inay cid waliba sidaa ahayd ee
waxa jira qoysas badan oo ka qatanaa dareenka farxadeed ee ciidda, iyadoo
ay sababtuna tahay fara-madhnaan dhaqaale, taas darteedna ay awoodi
kari-waayeen inay caruurtooda u iibiyaan maryaha iyo qalabka caruurtu ku
ciyaarto. Hase yeeshee inkasta oo dhibaatada meel ka jirtaa ay dalka oo
dhan saamanayso, hadana waxaad moodaa inay Hargeysa waxoogaa ka jimcon
tahay magaalooyin badan oo ay si xun uga dul-qiiqayso dhiilada abaartu.
Gelinkii dambe waxa magaalada Hargeysa ka abuurmay jawi sawaxan iyo buuq
badan, waxayna taasi ka dhalatay, ka dib markii uu qiimaha qaadku cirka
isku shareeray, taas oo ay ugu wacnayd qaadka oo si suququl ah magaalada
loo soo geliyey, waayo waxa dib looga dhigay waqtigii caadiga ahaa ee uu
iman jiray, isla markaana waxa la soo geliyey xaddi ka yar intii hore,
halkaana waxa ka dhashay sixmad badan iyo buuq. Tusaale ahaan qaadka loo
yaqaan Dadarta waxay maalintii shalay Majintu gaadhay 14000—15000 Sh.Sl,
halka ay ciidda ka hor qiimaheedu ahaa 5000 ilaa ugu badnaan 7000 Sh. SL.
Laakiin kaalmaha iyo kabadhada lagu iibiyo qaadka nooca loo yaqaan
Madhabka ama Jebiska ayaa ugu buuq iyo sixmad badnaa, taas oo ay kabadhada
qaarkood ku soo xoomeen boqolaal nin, halkaasna qaylada iyo isgarbintu
cirka u baxday.
Dhinaca kalena weriyayaasha Haatuf ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland
ayaa ku soo waramay inay si wanaagsan uga dhacday tukashadii iyo
damaashaadkii munaasibaddii ciidda.
Weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar ayaa ku soo waramay inay
boqolaal kun oo qof isugu soo baxeen tukashadii salaadii Ciidul-fidriga,
waxaana dadweynaha reer Boorame tukashada salaadda kala qayb galay madaxda
maamulka Boorame iyo weliba rag ka tirsan baarlamaanka iyo golaha degaanka.
Sida uu ku soo waramay weriyuhu waxa dadka reer Boorame ka muuqday dareen
farxadeed iyo bilic dhinaca muuqaalka ah, laakiin inkasta oo ay koleyba
jirto duruuf dhaqaale, hadana marka la eego bilicda dadka ka muuqatay
waxay taasi ka turjumaysay inaanay xaaladda dhaqaale ee dadku ahayn mid
liidata.
Badhasaabka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi ayaa ka mid ahaa madaxdii
tukashada salaadda ka dib dadka la hadlay, wuxuuna badhasaabku dadka reer
Awdal u rajeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad iyo barwaaqo,
uguna baaqay inay nabadda iyo horumarka gobolka ka shaqeeyaan. isaga oo
dhinaca kalena u rajeeyey inuu dadka reer Awdal illaahay tuso waxa uu ugu
yeedhay jidka ugu haboon ee buu yidhi xal loogu heli karo mushkiladaha
waqtigan ka taagan gobolka oo ay ka mid yihiin dhaqamo cusub oo aan hore
looga aqoon.
Weriyaha Haatuf ee Burco, Axmed Aadan Yuusuf ayaa isna ku soo waramay inay
dadkii ugu tirada badnaa garoomada iyo masaajidada magaalada Burco isugu
soo baxeen dadkii ugu xaddiga badnaa.
Daroonka kubadda cagta oo ah goobta ugu weyn ee ay dadweynaha reer Burco
salaadaha ciidda isugu soo baxaan ayaa shalay dad la ceeryoomay oo meel la
kala joogsado la waayey, iyadoo masaajidada waaweyn ee magaaladana lagu
tukaday. Laakiin masuuliyiinta dawladda ee Burco, gaar ahaan badhasaabka
gobolka iyo maayarka Burco (Cabdi Xuseen Dheere & Maxamed Diiriye Xayd)
ayaa intii aan salaadda la gelin dadkii isugu soo baxay garoonka kubadda
cagta hadalo u jeediyey, waxayna si gaar ah uga hadleen duruufaha ka jira
gobolka oo ay ugu weyn tahay abaartu, iyaga oo dadka ugu baaqay illaah
bari iyo duco. “Xaalad adag ayeynu ku jirnaa, ee waa inaynu illaahay
barinaa, dadkuna waa inay isu abaabulaan sidii ay gacan uga geysan
lahaayeen dhibaatada abaaraha”ayey yidhaahdeen madaxdu.
Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo duco u badan ka jeediyey culimada
diinta, waxayse munaasibaddii ciidda ee shalay kaga duwanayd
munaasibadihii ciidda ee sannadihii sannadkan ka horeeyey, iyadoo aan haba
yaraatee la soo hadal qaadin wax dareen siyaasadeed ama khilaaf diimeed
lagu uriyo, halka sannadihii ka horeeyey qaarkood ay dhici jirtay in la
soo hadal qaado mawaadiic siyaasadeed ama diimeed oo aanay dad badani
jeclaysan jirin, sidaa darteed hadalada madashii Ciidda laga jeediyey
waxay u badnaayeen duco iyo isa saamaxaad.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, C/rashiid Xasan Cabsiiye ayaa isna
warbixin dheer oo uu kaga hadlay jawigii ciidda iyo dhaqdhaqaaqyo oo la
xidhiidha duruufaha gobolka oo lagu beegay munaasibadda ciidda nooga soo
diray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag, wuxuuna weriyaha
Haatuf warbixintiisa ku yidhi “Inkasta oo ay abaar ba’an oo si weyn u
saamaysay nolosha dadka gobolka ka jirto, hadana guud ahaan jawi farxadeed
ayey dadku ku ciideen, waxaase dareenka munaasibadda ciidda ee dadka ku
xeernaa waayo iyo duruufo kala duwan.
Inta badan qoysaska reer Ceerigaabo waxay caruurahoodu ku ciideen jawi la
moodo inuu ka farxad iyo shacni badan yahay ciidihii ka horeeyey, laakiin
dhinaca kalena boqolaal qoys oo ku nool miyigi gobolka Sanaag ee ay
Ceerigaabo magaalo-madaxda u tahay ayey caruurahoodu ku ciideen jawi
macaluusha iyo darxumadu ku badan tahay.
Inkasta oo ay xiliga qaboobaha dad badan oo markii Ceerigaabo deganaa u
guureen magaalooyinka xeebaha sida Xiis, Maydh iyo Laasqoray, hadana marka
la eego tobankii sannadood ee ugu dambeeyey dadkii ugu tirada badnaa ayaa
salaaddii Ciidda ku tukaday garoonka kubadda Cagta magaalada Ceerigaabo ee
la yidhaahdo DAALLO, iyadoo ay dadka halkaa isugu soo baxay qiyaas ahaan
tiradoodu gaadhaysay dhawr iyo toban kun oo qof, waxayna dadku si weyn ugu
ducaysteen in illaahay dhibaatada abaarta ka jebiyo oo naxariis roob u
shubo, iyadoo ay masuuliyiinta dawladda ee gobolka dadka la tukadeen,
halkaana hadalo ka jeediyeen.
Badhasaab-xigeenka Sanaag, C/casiis Xasan Siciid ayaa halkaa ka hadlay,
wuxuuna ugu horayn dadka u gudbiyey salaan uu sheegay inuu u soo diray
madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, dadkana u rajeeyey inay sannadka
dambe ku gaadheen nabad iyo barwaaqo.
“Waxaan dareemayaa farxad, hadana waxaan kale oo dareemayaa dhibaatada”,
sidaa waxa tidhi Qorsho Mire oo aan kula kulmay aqal Soomaali ay urur
haween ahi ku qabteen xaflad la xidhiidha munaasibadda ciidda. Sidoo kale
Hodan Barre ayaa iyana iyadoo muujinaysa dareenkeeda waxay tidhi “Waxaan
dareemayaa farxad iyo rayn-rayn iyo nabadgelyo, illaahayna waxaan ka
baryayaa inuu abaarta inaga jebiyo”.
Urur samafal wadaniya oo magaciisa la yidhaahdo Kalkaal maalintii shalay
afar xarumood oo uu ku leeyahay magaalada Ceerigaabo raashin Fidri ah ugu
qaybiyey boqol qoys oo ka mid qoysaska ugu jilicsan dadka magaalada,
raashinkaasna waxa laga soo ururiyey qoysaska laddan ee reer Ceerigaabo.
Toddobaadkii u dambeeyey ee bisha Ramadaan dhaxan qabow oo ilaa saddex
goor ka badan dhaxantii xiliga jiilaalka lagu yaqaanay cimilada Ceerigaabo
ayey dadku dareemayeen.
Inkasta oo ay jireen caruuro aan siddan dhar cusub iyo qalabka caruurtu ku
ciyaarto, hadana boqolaal caruur ah ayaa kaga sanqadhinayey noocyada kala
duwan ee qalabka caruurtu ku ciyaarto.
Iyadoo ay dad badan oo reer Ceerigaabo ahi hadda u tafaxaydan yihiin sidii
loo caawin lahaa dadka abaaruhu naafeeyeen, hadana waxa ciiddii shalay
wadooyinka magaalada Ceerigaabo hoganayey dad badan oo dawersanaya oo ka
mid ah qaxootiyada dhinaca Somaliya ka soo haajiray, iyadoo ay dadka reer
Sanaag door-bidayaan inay saarista dadkaasi noqoto mid qorshaysan oo aan
turxaan lahayn”ayuu weriyaha Ceerigaabo ku soo xidhay warbixintiisa.
Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa isna ku soo waramay
in salaaddii ciidul-fidriga si weyn looga ciiday degaamada Gebilay,
waxaana tukashadii salaadda dadka reer Gebilay la hadlay maayarka, C/qaadir
Axmed Cumar, wuxuuna maayarku ugu horayn ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee
degmada, isaga oo xusay niman Somalida koonfureed ah oo dhowaan fal
budhcadnimo ah ka sameeyey degaanka Gebilay, ka dib markii ay dhaceen
lacag xaddigeedu gaadhayo inka badan milyan iyo saddex boqol oo Birta
Itoobiya ah. Waxa kale oo uu maayarku dadka reer Gebilay ugu baaqay inay
isu tagaan sidii ay gacan u siin lahaayeen dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee
gobolada bari. Sidoo kale odayaal halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay
caawimada dadka abaaruhu naafeeyeen isu tabaabushaynayaan.
Magaalooyinka Arabsiyo, Tog-wajaale, Kalabaydh oo ka tirsan degmada
Gebilay iyo degaamada degmada kale ee Allaybadday ayaa si weyn looga
ciiday. Top
| “Dhowaan Ayaanu
Shirkadaha Sucuudiga Kula Kulmaynaa Riyaad, Waxaanuna Ku Kalsoonahay
In Xayiraadda Laga Qaado Xoolaha Somaliland”, Wasiirka Xanaanada
Xoolaha Somaliland |
Hargeysa (Haatuf) – Wasiirka xanaanada xoolaha ee dawladda
Somaliland, Dr. Idiris Ibraahin Cabdi ayaa shalay sheegay in rajo weyn
laga qabo inay dawladda boqortooyada Sucuudi Arabiya dhowaan xayiraadda ka
qaado xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in badhtamaha bisha Shawaal ee
aynu ku jirno badhtamaheeda ay wefti dawladd Somaliland ka tirsani socdaal
ku tegayaan dalka boqortooyada Sucuudi Arabia, halkaana ay wada hadalo
kula soo yeelanayaan madaxda arimaha xoolaha qaabilsan iyo ganacsatada
xoolaha ee Sucuudiga.
Wasiirka xanaanada xoolaha dawladda Somaliland waxa uu doraad ka soo
laabtay safar uu muddo laba toddobaad ah ugu maqnaa magaalada Dubai ee
dalka Imaaraadka Carabta, ka dibna weriyayaal Haatuf ka tirsan ayaa
wasiirka wax ka waydiiyey ujeedada socdaalkiisa iyo inta ay rajada ah in
ganacsiga xoolaha laga qaado xayiraadda, wuxuuna wasiirku sheegay inuu
jiro xidhiidh ku saabsan mawduucan oo u socda Somaliland iyo Sucuudiga,
laakiin waxa uu sheegay inuu xidhiidhkan qayb weyn ka qaatay madaxweyne
Rayaale, hawlahana uu madaxweynuhu u igmaday.
Wasiirka xanaanada xooluhu ugu horayn isaga oo ka waramaya safarkiisii
Dubai iyo dadkii uu halkaa kula kulmay waxa uu yidhi “Magaalada Dubai
waxaanu ku wada hadalay shirkado ganacsiga xoolaha ah oo Sucuudi ah,
kuwaas oo uu wada hadalku weli noo socdo iyaga iyo weliba shirkado
Ciraaqiyiin iyo Iiraaniyiin ah”.
Wasiirku waxa uu sheegay inay ganacsatada Ciraaqiyiin ahi ee ay Dubai kula
kulmeen ku talo jiraan inay xoolaha ay Somaliland ka iibsadaan ka dejiyaan
dekedda la yidhaahdo Caqaba ee dalka Jordan, wuxuuna yidhi wasiirku
“Ciraaqiyiintu iyaga ayaa halkan inoogu imanaya”. Laakiin wasiirku waxa uu
sheegay in wefti balaadhan oo Somaliland ahi ay badhtamaha bishan Shawaal
ee aynu ku jirno badhtamaheeda u kicitimi doonaan dalka boqortooyada
Sucuudiga, weftigaasina ay magaalada Riyaad wada hadalo kula yeelan
doonaan madaxda iyo ganacsatada Sucuudiga, wuxuuna yidhi “Badhtamaha bisha
Shawaal wefti balaadhan oo aan ka mid ahay iyo rugta ganacsiga Somaliland
ayaanu ku tegaynaa magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, waxaanuna uga sii
gudbi doonaa dalka Iiraan, wixii bisha Shawaal badhtankeeda ka dambeeya
waxaanu ku rajo weynahay inaanu dalalkaa ka helno heshiis garantiin ah (dhamaystiran)”,
isaga oo wasiirku intaa ku daray “Marka aanu dhowaan shirkadaha ganacsiga
xoolaha ee Sucuudiga kula kulano Riyaad ee ay hawshaasi soo gebagebowda
aad baanu ugu kalsoonahay in xoolaheena laga qaado xayiraadda, iyadoo
tobankii u dambeeyey aan doonayey inaan tago Riyaad, balse shirkadihii
aanu ballansanayn ayaa igaga horyimi Dubai oo aanu halkaa ku kulanay, ta
kale wasaaradda beeraha ee Sucuudiga xoolaha u qaabilsan ayaa iyana fasax
ahayd oo aan shaqaynayn tobankii cisho ee bishii Ramadaan u dambeeyey”.
Dhinaca kalena waxay warar kale oo madax banaan ayaa tibaaxay inay
shirkado ganacsiga xoolaha ah oo Sucuudiga ahi ku talo jiraan inay xajka
foodda inagu soo haya ilaa laba milyan oo xoolo ah ka dhoofsadaan
Somaliland, taasna lagu rajo weyn yahay inay hordhac u noqoto rajada
xayiraad ka qaadista ganacsiga xoolaha ee sayladaha Sucuudiga, laakiin
wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Idiris oo la waydiiyey inay arintaasi jirto
iyo inkale wuu ka gaabsaday.
Top
| Hay’adda WFP Oo
Raashin U Qaybinaysa Dadka Abaartu Tabaaleysay |
Nairobi, 25/11/2003 (WFP) – Hay’adda
Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee magaceega la yidhaahdo WFP ayaa
toddobaadkan gudihiisa bilaabi doonta in ay raashin u qaybiso 60,000 (lixdan
kun) oo qof oo ku tabaaloobay abaarta ba’an ee ka jirta gobollada Bari ee
Somaliland. Sidaas waxa lagu sheegay warbixin ay hay’adda WFP ka soo
saartay shalay magaalada Nayroobi, iyadoo masuulka hay’adda WFP uga
wakiilka ah Somaliland/Somalia, Mr. Robert Hauser uu warbixintaas ku
sheegay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo lagaga hortago macaluul
iyo mashaqo ku habsata dadka ay abaartu sida xun u saameysay.
Warbixintaasi waxa kale oo ay sheegtay in Hay’adda WFP iyadoo la
kaashanaysa hay’adda UNICEF ay bishii July 12 goobood oo xarumo caafimaad
ah raashin ugu qaybisay dadka abaartu haleeshay kuwa ugu jilicsan,
xilligana ay hay’addu bilaabayso in ay raashin ka kooban Galey, Digir iyo
Saliid u qaybiso 64,000 (Afar iyo lixdan kun) oo qof oo ku nool 26 tuullo
oo ku kala yaal Somaliland iyo Puntland. Hase
yeeshee, Wakiilka WFP, Mr. Hauser, waxa uu sheegay in ay hay’adiisu degdeg
ugu baahan tahay kharash dhan $6.5 milyan (lix milyan iyo badh oo doollar)
oo ay ku iibsato 8,600 Ton (sideed kun iyo lix boqol oo Ton) oo raashin
ah, si ay ugu suurto gasho in ay gacan u siiso dad tiradooda lagu qiyaasay
41,200 (kow iyo afartan kun iyo laba boqol) oo qof, oo ku nool 18 tuullo.
Warbixinta WFP, waxa kale oo ay intaa ku dartay in ay damaanad-qaad
dhinaca sugitaanka nabadgelyada hawlaha gargaarka ka heshay laba maamul ee
Somaliland iyo Puntland, waxaanay tilmaantay in mandaqadda abaaruhu
aafeeyeen ay tahay dhulka soolasha ah ee ku yaalla dhinaca Somaliland
labada gobol ee Sool iyo Sanaag, iyo qaybo ka mid ah degmada Bari ee
Puntland. Top
| Caalamka
Islaamka Oo Duruufo Kala Duwan Ku Xusay Munaasibadda Ciidda |
Maka Al-Mukarama (W. Wararka) – Boqolaal
malyuun oo muslimiin ah oo ku kala filiqsan daafaha dunida ayaa maalintii
shalay ku xusay munaasibada Ciiddal Fidriga, iyagoo u dareeray masaajidada
iyo goobo loogu talo galay in lagu tukado salaada ciidda, ka dib markii ay
dawladaha islaamka badankoodu ku dhawaaqeen inay shalay ahayd maalinta
ciidda.
Dalal badan oo ka tirsan caalamka islaamka ayaa si weyn looga xusay
munaasibada ciidda waxaana ka mid ahaa dalalka Sucuudiga, Qatar, Kuweyt,
Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Marooko, Tunis, Al-jeeriya, Suriya, Lubnaan,
Falastiin, Cumaan, Baxrayn, Indoonisiya, Turkiga, Maleesiya, Somaliland,
Somaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid ahaa meelaha sida weyn looga xusay ciidda
barakaysan. Dalka Libiya iyo qaybta suniga ee Ciraaq ayaa iyaga ciidda
laga xusay maalintii Isniintii, waxa kale oo jira dalal tiro yar oo uu ka
mid yahay dalk Bakistan ayaa iyaga maanta laga xusayaa ciidda.
Immaamyada qudbadaha ka jeediyey goobaha kala duwan ee la isugu soo baxay
maalinta ciidda ayaa ka kala hadlay arrimo badan oo khuseeya caalamka
islaamka, Muftiga guud ee Sucuudiga SH-C/casiis Binu Cabdala Alla Sheekh
oo ka hadlayey munaasibadii ciidda ayaa ugu baaqay dadweynaha dalkaasi
inay gacansiiyaan xukumada Boqortooyada Sucuudiga iyo dagaalka ay kula
jirto kuwa rabshadaha wada. Muftiga magaalada barakaysan ee Qudus Sheekh
Akrama Sabri oo isaguna ka hadlayey munaasibada ciidda ayaa sheegay inay
xaraan tahay in dadka falastiiniyiinta ahi ay ka shaqeeyaan gidaarka ay
Israa’iil ka dhisayso deegaanka Falastiin, meelo badan oo ka tirsan
caalamka islaamka ayaa si weyn looga hadlay qaraxyadii iyo rabshadihii ka
dhacay dalal ka tirsan islaamka sida Turkiga iyo Indoonisiya. Waxa kale oo
si weyn looga hadlay dhibaatada ka taagan Falastiin iyo Ciraaq. Top
| Madaxweyne
Rayaale Oo Laga Filayo Inuu Isku-Shaandhayn Iyo Xil-Ka-Qaadis Ku
Sameeyo Golihiisa Wasiirrada, Yaa ka mid ah Shaqsiyaadka iyo
Wasaaradaha ay Tallaabadani Saameynayso? |
Hargeysa (Haatuf) – Laba-saddexdii maalmood
ee u dambeeyey waxa soo ifbaxay warar isa soo taraya oo tibaaxaya inuu
madaxweyne Rayaale isku shaandhayn iyo weliba xil-ka qaadis qaar ka mid ah
golihiisa wasiirada, iyadoo ay xogo laga soo dheegtay ilo ku dhowdhow
qasriga madaxtooyadu tibaaxeen in jagooyinku isku bedelku saamaynayo ay ka
mid yihiin wasaaradaha ugu muhimsan ee xukuumadda, iyadoo labadii maalmood
ee ciidda ka horeeyey la saadaalinayey inuu madaxweyne Rayaale maalinta
ciidda ku dhawaaqi doono qaybtii ugu horaysay ee isku shaandhaynta iyo
xilkaqaadista la filayo inuu ku talaabsado, waxaana la hadal hayey ilaa
afar wasaaradood oo muhim ah, waxayna kala yihiin wasaaradaha la hadal
hayaa arimaha debedda, maaliyadda, arimaha gudaha iyo caafimaadka, taas oo
ay wararku leeyihiin waxa la filayaa inuu madaxweyne Rayaale wasiirada
wasaaradahaa xilalka u kala wareejiyo, hase yeeshee sida ay wararku
tibaaxayaan wasaaraddo kale inay talaabadaasi saamayn doonto, kuwaas oo
laga yaabo in xubnaha wasiirada ka ah qaarna la isku bedelo, qaarna la
eryo.
Inkasta oo aanay weli soo debed bixin warar xaqiijinaya inuu madaxweyne
Rayaale qaadayo talaabo caynkaas ah, hadana sheekadani dhawrkii caana maal
ee u dambeeyey aad bay ugu badnayd atmosfeerka wararka.
Tusaale ahaan meelaha farta lagu fiiqayo waxa ka mid ah wasaaradda arimaha
debedda, taas oo laga yaabo in laga bedelo gabadha hadda wasiirka ka ah
Edna Aadan, iyadoo ay wararku leeyihiin waxa laga yaabaa in Edna la geeyo
wasaaradda caafimaadka, sidoo kale wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale
ayey wararku leeyihiin isaga ayaa u findhicilanaya inuu bedelo Edna Aadan,
inkasta oo ay warar kalena leeyihiin ninka Edna bedelayaa waa ninka hadda
ah wasiirka daakhiliga, Ismaaciil Aadan. Wasiirka caafimaadka Cismaan
Qaasin ayey isna wararku leeyihiin waxa laga yaabaa in wasaarad cusub loo
wareejiyo. Waxa kale oo iyana la dareemayey
loollan iyo dhaqdhaqaaq wasiirada dhexdooda iyo xataa dadka arimaha u
dhuundaloola.
Intii ay sheekadani suuqa soo gashay wasiiru-dawlihii arimaha debedda
Maxamed Cabdi Dheere ayaa iscasilay, iyadoo uu Maxamed Cabdi Dheere
iscasilaadiisa ku micneeyey inay sababtay dhibaato shakhsiya oo la soo
deristay. Hase yeeshee waxay wararku leeyihiin taasi waa iska af-gobaadsi
ee wax kalaa jira, waxayna xogaha arintaa ku saabsani bixiyeen tacaaliiq
kala duwan.
Wararka qaar waxay leeyihiin jagada uu iska casilay ee wasiiru-dawlaha
arimaha debedda ayuu saluugay, taas darteed ayuuna isu casilay, laakiin
warar kale ayaa iyaguna leh waxa uu helay war yididiiladiisu xun tahay, ka
dibna wuxuu is yidhi sharafta ka xig. Laakiin warar kale ayaa iyaguna leh
Maxamed Cabdi Dheere waxa uu isu dhigay inuu isagu noqdo ergeyga hawlaha
diblomaasiyadda ee dhinaca debedaha uu madaxweyne Rayaale u igmado
maadaama uu yahay wasiiru-dawlaha arimaha debedda, balse markii ay taasi
dhici wayday, xagga wasaaraddana uu xiniinyo ka noqday ayuu is-tustay
inaan meesha waxba u oollin.
Wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale waxa
uu iminka socdaal ugu maqan yahay dalka Jabuuti, iyadoo la sheegay inuu
madaxweyne Rayaale u igmaday hawl diblomaasiyadeed, balse waxa ay
hawshaasi tahay. Hase yeeshee socdaalka Cawil ee dalka Jabuuti waxa ka sii
horeeyey socdaal kale oo aan isna laga wada war qabin oo uu ku tegay dalka
Uganda.
Inkasta oo markii uu Cawil u kicitimay dalka
Uganda ay gabadha wasaaradda arimaha debedda wasiirka ah Edna Aadan
socdaal ugu maqnayd dalalka Maraykanka iyo Britain, hadana markii uu Cawil
socdaalka dhinaca diblomaasiyadda ugu bixitimayey Jabuuti way joogtay,
taasina waxay noqotay arin su’aal dhalisay, laakiin dhaqdhaqaaqyada
diblomaasiyadeed ee uu wasiirka maaliyaddu galaabixinayo waxa laga yaabaa
inay hordhac u tahay sheeko soo socota . Hase yeeshee waxa jira warar kale
oo leh wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan ayaa isna quudaraynaya inuu
kursiga arimaha debedda, inkasta oo ay warar kalena leeyihiin waxa laga
yaabaa in hadii la bedelo loo wareejiyo wasaaradda maaliyadda. Laakiin war
jiraaba cakaara ayuu iman.
Top
Cibaarooyinka
Taariikhda
Siyaasadeed Ee Somaliland 1884-2003
Qore: Cabdirisaaq Caqli – Q: 7aad |
Gudidii Xog-waranku waxay markiiba socdaalo
ku bixisay dhamaan degmooyinka oo idil, iyagoo kulamo la yeelanaya odayo
iyo dadka meteli kara dadwaynaha degmo kasta iyo Tuulo kasta. Waxa kale oo
ay kulamo la yeesheen Aqoonyahanada, Musheekhda, iyo Xubnaha Wasiirada
kala duwan.
Waxa kale oo ay ururiyeen qoraallo talo bixin ah oo ay dadwaynuhu u soo
qoreen. Haweenka ayaa qoraalo u soo gudbiyay gudida xogwaranka, iyagoo
codsanaya in loo ogolaado codbixinta doorashada.
Gudidii iyagoo tixgalinaya codsiyada qoraalada loo soo gudbiyay ay guda
galeen go’aamadii ay ka gaadhi lahaayeen.
Hadii aynu eegno jeedinadii xisbiyada, ee ku saaban tirada guud ee xubnaha
golaha xeer dajintu ka koobnaanayo, wuxuu ururka SOU soo jeediyay (27 qof
) Xisbiga NUF-33, Xisbiga SNL-47 Gudidii waxay is la garatay 33.
Waxaa mudan xusuusin xiligii la magacaabay gudida xogwaranka aanu jirin
Xisbiga USP, oo aynu hore uga soo sheekaynay qaabkii uu ku abuurmay.
Xubnihii NUF-ka ka cadhoodayna kumay jirin talada, hase ahaatee SYL wali
may kala jabin.
Kadib waxa la guda galay qaabka loo qaybinayo 33 qof. Waxa laysla gartay
in qaybintu u dhacdo qaabka soo bixitaanka qofka kaliya (Single
consfituencien ). Taasoo ah in dalka loo qaybiyo 33 Degmo doorasho
(Electoral district). (Waxaad moodaa inwali dadka iskaga murugsanyihiin
degmada (district) iyo degmo doorasho (Electoral) taasi oo Ingiriisku u
arkayay ta ugu haboon marka la eego dhaqanka Somaliland, inay tahay in
dalka loo qaybiyo 33 qaybood mar hadii uu yahay tirada dhexe layskugu iman
karo.
Waxa taasi xigay sidee dalka loogu qaybinayaa 33 qaybood oo isku tiro ah
si degmo-doorasho kasta uu qof uga soo baxo.
Taasi waxay suurtagashaa marka tiro koob la hayo, ama diiwaanglintu dalka
oo dhan koobtay ee la ogyahay inta ka diiwaangashan degmo-doorasho kasta.
Qorshihii Ingiriiska ugu talogalay ee dhamaan lahaa 1965-waa tii
Ingiriisku go’aansaday inuu joojiyo. Waxay gudididii wax ku qaybisay 33
kursi maasanuunin iyo qiyaas 6-da marka hal hal la kala siiyo min shan qof,
Hargeysa iyo Burco oo dadku u badan yahay haloogu kordhiyo Hargeysa 2-qof,
Burcona hal qof.
Taas oo ah: Hargeysa 7, Burco 6, Boorama 5, Berbera 5, Ceerigaabo 5,
Laas-canood 5.
Ka dib waxay gudidii guda gashay sida degmo kasta loogu qaybin lahaa inta
degmo-doorasho kastaana waxay cadaan doonta marka la ogaado tirada
sanduuqyada laga codaynayo ee degmo-doorasho kasta la siiyey.
Taas oo gudidu go’aansanayso dhinaca uu sanduuqaa tiradiisu raacayso.
Sidaasi ayey ku hirgashay in Somaliland loo qaybiyo 33 degmo-doorasho, oo
mid waliba qofka ugu codbadani ka soo bixi doono xisbiga uu doono ha
noqdee.
Arrimaha ugu waaweyn ee xisbiyada iyo ururada la weydiiyey waxay ahayd in
golaha odayada la daayo inuu sii jiro iyo qaabkiisa sharci, iyo awoodiisa.
Xisbiga NUF oo keliya ayaa oggolaaday in golaha odayadu sii jiraan.
Dhamaan xisbiyada SNL, SYL iyo ururada SOU iyo SOBA (Somali old boys
association) waxay soo jeediyeen in la tirtiro golaha odayada oo aan dib
loo soo hadal qaadin iskaba daa in awoodooda sharci laga wada hadlo eh.
Waxaa la gudogalay in gudidu go’aan ka gaadho in haweenku codeeyaan iyo
inkale. Xisbiga SNL oo keliya ayaa oggolaaday in haweenka loo oggolaado
inay codeeyaan. Dhamaan xisbiyada NUF, SYL Ururka SOU waxay soo jeediyeen
in aan dumarka loo oggolaan inay codeeyaan.
Ka dib markii ay go’aano ka gaadheen hawlihii loo baahnaa inay xallilaan,
ayey bilaabeen inay qoraal cadaynaya qaabka ay go’aanada u gaadheen iyo
hadaladii cid kasta oo ay waraysteen ku qorantahay. Waxayna qoraalka ku
lifaaqeen dhamaan qoraaladii ay heleen oo idil.
Warbixintii iyo soo jeedintooda oo ka kooban 107 saxafadood iyo lifaaq
ayey u gudbiyeen dawladda ka talinaysay Somaliland, dabayaaqadii bishii
May ee sanadkii 1959. Taas oo ah inay gudidu ku soo gabogabeysay muddo
laba bilood oo keliya ah.
La soco.
Top
Dad Cusub Oo
Loo Qabqabtay
Qaraxyadii Ka Dhacay Istanbuul |
Istanbul (W.Wararka)Sida laga soo weriyey
xeer-ilaaliye xagga difaaca ah, sagaal qof ayaa lagu xidhxidhay dalka
Turkiga iyadoo lagu eedeeyey weerarradii bambaanooyinka ee lagu qaaday
magaalada Istanbul Khamiistii ina dhaaftay. Dadkaasi waxaa loo xidhxidhay
in ay ama qeyb ka ahaayeen amaba kaalinayeen oo dhiirrigelinayeen urur aan
sharci ahayn.
Siddeed iyo toban qof ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay in loo xidhxidhay
weerarradii lagu qaaday qunsuliyadda dalka Britain ee Istanbul iyo weliba
bangiga saldhigiisu yahay Britain ee HSBC.
Sagaal ka mid ah dadkaasi ayaa maxkamad la saaray goor hore oo shalay
kaddib markii ay su'aalo weydiiyeen xeer ilaaliyayaasha qaranka sida ay
sheegeen garyaqaannadu.
Eedeymaha lagu hayo kuwani ilaa iyo hadda waa kuwo marka la barbar dhigo
kuwo kale iska yar-yar oo waxaa loo haystaa in ay ama ka mid ahaayeen
amaba kaalinayeen oo dhiirigelinayeen urur aan sharci ahayn, waxaanay
xambaaranayaan kuwani xadhig ah ilaa iyo shan sano.
Dhowr rag ah oo hore loo xidhxidhay iyadoo lagu eedeynayo in ay ku lug-lahaayeen
bambaanooyinkii lagu qarxiyey macbadyada Yuhuudda ee Istanbul ayaa lagu
qaaday dembi ah in ay isku dayayeen afgembi qaran, taasoo ah weerar aad u
xoog badan.
Xadhiggan maxkamadda lagu qaaday kooxdani waxa uu ku soo beegmay maalinta
koowaad ee dabbaal-degga Ciidda Muslimiinta.
Inta ay socoto ciidda, ra'iisal wasaaraha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan,
ayaa isagoo khudbadda ummadda uga jeedinaya telefishanka waxa uu ugu
baaqay dhammaan dadka reer Turkiya in ay garab istaagaan caddaaladda iyo
runta marka loo eego argagaxa iyo xaasidnimada.
Xaflado iyo casharro diini ah ayaa ka soconaya dhammaan masaajidada dalka
Turkiga shalay kuwaasoo lagu cambaareynayey argagaxisada.
Top
| Xabad-Joojin Ka
Dhaqan Gashay Xuduudda Hindiya Iyo Pakistan |
New Delhi (W. Wararka) – Wasaaradda Arrimaha Dibada ee
dalka Hindiya ayaa soo dhaweysay hindisaha xabad joojinta ah ee ka soo
yeedhay dawlada Bakistan, iyadoo sheegtay inay ilaalin doonto xabad
joojintaasi oo ku faafsan dhamaan khadka xuduuda ah ee u dhexeeya labada
dhinac oo dhexmara karshmiir, kaasoo rasmi ahaan u dhaqan galayey xalay
saqbadhkii.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee
Hindiya saraakiisha xukuma ciidamada labada dal ka degan xuduuda ayaa isku
waafaqay inay ixtiraam heshiiska xabad joojinta ah. Dawladda Bakistan ayaa
maalintii Axadii hore ugu dhawaaqday inay hirgelinayso xabad joojin dhinac
keliya ah oo ka dhaqan gasha xuduuda lagu muransanyahay ee Kashmir,
dhawaaqaas oo ay dawladda Hindiyana ay si weyn u soo dhaweysay. Xuduuda
labada dal ee Kashmir waxa la qaybiyey 1947kii, iyadoo muddo intaa ka
dambeysay ay dagaalo ku dhexmareen labada dal. Top
| ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Aragtida Qurba-Jooga UCID Ee Mustaafurinta Ajaanibka |
Sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo
martay intii ay la soo noqotay gobanimadeedii, ayaa waxa jiray cadow
gudaha iyo debedda ah oo mar walba turunturo u dhigayey si ay isu
hortaagaan geeddisocodka ummadda iyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinka
fogfog ee la hiigsanayo.
Haddaba maalamahan waxa soo baxaya dhawaaqyo lid ku ah qaranimada
Somaliland oo la doonayo in mar kale lagu dibindaabyaynayo tallaabo kasta
oo xagga toosan loo qaado. Waxa xaqiiqo ah cadowga ummadda reer Somaliland
oo mar kasta waji cusub gashada ayaa maantana doonaya inuu ka hortago
go’aankii ay dhawaan dawladda Somaliland ku dhawaaqday inay dalka ka
baxaan dhammaan ajanabiga sharci darrada ku jooga Somaliland iyo qaxootiga
faraha badan ee ku habsaday dalka.
Go’aankan oo ka dambeeyey dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay Mrs.
Annelli iyo Mr. Eington iyo afadiisii. Seddexdan ruux oo hawlo samafal ah
ka waday Somaliland ayaa si badheedh ah oo bani’aadnimada ka baxsan loogu
toogtay magaalooyinka Borama iyo Sheekh. Arrintan oo ay soo abaabuleen dad
wax ma garato ah ayaa ujeedada u weyn ee ka damabaysay ahayd sidii
Somaliland loo minjaxaabin lahaa, isla markaana nabadda ay haysato ceel
loogu ridi lahaa.
Ka hor waxa si badheedh ah uga hadlay arrinta soo gallaytiga ee xad
dhaafka ah ee ku soo qulqulayey Somaliland wasiirkii hore ee
Gaanshaandhigga Mr. Jimcaale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliland iyo
dhawr jeer oo la hor keenay goloyaasha si ay uga hadlaan dhibaatooyinka ay
bulshada reer Somaliland ku hayaan.
Sidoo kalena waxaa ka digey cawaaqib xumada ay leedahay inaan la sugin
xuduudaha Somaliland xisbiga UCID oo dhawr jeer meelo fagaare ah ka
caddeeyey in loo baahan yahay in la tago xuduudaha dalkeenna lana adkeeyo
qaybta socdaalka dalka.
Haddaba tallaabadan xukuumaddu ku dhawaaqday waxay la jaanqaadaysaa
siyaasadda UCID ee ku waajahan dadka sharci darrada ku jooga Somaliland
iyo siyaasad wax ku ool ah oo daboolaysa dhinaca waaxda socdaalka oo la
hirgeliyo, lana tayeysiiyo. Isla markaana kor loo qaado, lana hagaajiyo
dhinaca ammaanka iyo tayada ciidanka booliiska iyo gaar ahaan waliba
dhinaca caddaaladda oo dib u habayn lagu sameeyo.
Haddaan dib u dheegganno, dhibaatooyinka faraha badan ee ay dadkani ku
hayaan Somaliland iyo hoos u dhaca qaranimo ee dhaawaca halista inna
gaadhsiiyey, waxaad arki karaysaa in dhibaatadani ka weyn tahay sida ragga
kaska gaabani ku sheegayaan ee ah: ” Ceelbaa laga wada cabbi jiray” iyo
”dadka walaalaha nahay ee reer Somaliya maxaa dhibaatada loogu geysanayaa”
iyo waxyaabo kale oo la mid ah.
Baroortu orgiga ka weyn, waayo ma muuqato sabab cad oo dadka reer
Somaliland shaki iyo jahawareer loo geliyo, loogana dhaadhiciyo in
xuquuqdii dadka soo gallaytiga ah meel lagaga dhacay iyadoo lagu
fushanaayo dano gaar ah oo ay kooxo wataan si aan marna hore loogu
tallaabsan.
Haddaan in yar jalleeco dhibataayinka qaranimo ee maanta tallaabadani
sugayso, waxna ka tarayso waxaa ka mid ah sidatan:
Dhammaan wadamada adduunku waxay leeyihiin xuduudo iyo astaamo u gaar ah.
Tanina waxay saldhig u tahay jiritaanka jimciyadda qaruumaha ka dhaxaysa
iyo sharciyada lagaga dhaqmo adduunka. Ma jiro dal adduunka ku yaal oo
iska furan oo sidii guriga lana galo lagana soo baxo markii la doono oo
wixii la doonana lagaga dhaqmo. Waa dhab in dhammaan dadka muslimiinta ah
ee walaalaha ah ee adduunka ay fiicnaan lahayd inaan xuduudo loo yeelin oo
ay is dhex maraan,meeshii uu doonana qofka muslimka ahi ku noolaan karo,
laakiin taasi ma jirto imminka, Somalilandna keligeed waxba kama qaban
karto. Sidaas darteed Somaliland ma noqonayso ”land of all muslim people”
keligeed ee waxay raacaysaa shuruucda iyo qawaaniinta adduunku maanta ku
dhaqmaayo, walibana ay horseedka ka yihiin wadamada islaamku. Tusaale u
soo qaado dalalka aynnu jaarka nahay sida Sacuudiga ee maalin walba dadka
soo dhoofiya sharci darrada ku soo gala iyadoo labadii xaramayn ku
yaalliin.
Haddaba tallaabadani waxay meesha ka saaraysa dal iska furan oo waxaan u gudbaynaa
dal leh xuduudo oo raacaya qawaaniinta adduunka. Isla markaana abuuraya
sharciyo u gaar ah dadka soo gelaya iyo kuwa baxaya, lana tiro koobayo
dadka ajnebiga ah ee jooga Somaliland.
Waxay kaloo xaqiijinaysaa wixii ay Somaliland ay adduunka u sheegaysay
13-kii sano oo ah inay tahay Dal goonni isu taagay oo leh dhammaan
astaamihii qaranimo.
Dadka xad dhaafka ah ee ku sugan Somaliland waxay khalkhal geliyeen
dhammaan adeegyadii bulshada sida tacliinta, biyaha iyo caafimaadka. Waxa
hubaal ah in dalkeennu uu weli u baahan yahay sidii kor loogu soo qaadi
lahaa adeegyada bulshada, haddaba ninkii tiisa daryeelaa mid kale ku dara
e, iyadoo aan weli la daboolin baahidii dadka dalka u dhashay ayaa haddana
intii yarayd waxaa la qayb saday dadkii ajnebiga ahaa ee dalka ku sugnaa.
Tani khatarteeda ayey leedahay waliba markaad ka fekerto dad gaadhayaa 70
000 qof oo ah tirada lagu qiyaasayo inay Somaliland joogaan. Dadkan oo
waliba u badan dad dalka la yimi dawarsi oo keliya iyo ka shaqaysi dadban.
Isla markaana lacagaha u xawila meelaha ay ka yimaadeen oo aan dalka haba
yaraatee aan wax soo gelin.
Haddaba maan la odhan karin tallaabadani waxay suurta gelinaysaa in dad
badani fursad u helaan ka faa’iidaysiga adeegyada bulshada oo ay wax weyn
ka beddeli karto baahida jirta.
Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa xoog ugu batay mukhaadaraadka,
Dhillaysiga iyo fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dhaca, dilka iyo tuugada.
Sida ay sheegayso warbixin ay soo saartay Taliska ciidanka booliiska ayaa
arrintan dusha ka saaraysa dadka ajnebiga ah ee soo galaya Somaliland.
Waxaa marag ma doonto ah in kooxaha, gaar ahaan dhinaca kuwa ka yimaadda
dhinaca Itoobiya ay arrimahan si xoog leh faraha ugala jireen. Waxaa la
samaystay cawaysyo cooshada ah oo khamriga iyo dhillaysiga lagu
xalaashaday. Waxaana if baxaday halista cudurka HIV-ga ee ku sii kordhaya
Somaliland iyo halista soo gallaytiga ka imanaysa gaar ahaan kuwa
waddamada jaarka aynnu nahay. Mar kale
tallaabadani waxay sugaysaa oo ay yaraynaysaa khataraha ka imanaya dadka
waxyaalahan gacanta kula jira haddii ay dalkeenna ka baxaan. Isla markaana
waxa laga hortagi karaa ammaan darrada la socota dadkan qaxootiga ah.
Dhinaca dhaqaalaha, waxa jira dad badan oo dadkan la saarayo ka mid ah
ayaa si sharci darro ah uga xoogsada dalka iyagoo qaarkood ku shaqeeyaan
macalinimo dugsiyada gaarka ah, ama sida hay’adaha ajnebiga ah ama
muruqmaal ah sida kuuliga dhismayaasha ama farsamoyaqaanno kale. Waxaa
xaqiiqo ah in ay waliba ku shaqeeyaan sicir ka jaban ka waddaniga ah.
Haddaba dadkani dhaqaale toosan oo ay dawladda soo geliyaan ma jirto. Isla
marakaana waxay suuqa ka saareen oo ka buuxiyeen shaqaalahii waddaniga
ahaa ee qaban lahaa shaqooyinkan.
Waxayna dad badan ee reer Somaliland ahi ku shaqo la’yihiiin magaalooyinka
iyadoo shaqooyinkii ay qaban lahaayeen dadkale laga buuxiyay. Xukuumaduna
ma xakamayn karto haddii aan lahayn tiro sugan dadka dalka ku nool.
Waxaana qaarkood hay’ahada u sheegtaan inay Somaliland udhasheen.
Haddaba tallaabadani waxay wax weyn ka taraysaa sidii shaqooyinkaas ay uga
shaqayn lahaayeen dad reer Somaliland ah oo ay uga xoogsan lahaayeen. Isla
markaana hay’adaha UN-ta baadhis joogto ah loogu samayn lahaa.
Tallaabooyinka la gudboon Dawladda Somaliland marka hawshan la fulinayo.
Dadka deggen kilinka Shanaad ee Itoobiya oo uu xidhiidh ganacsi inaga
dhaxeeyo oo wax weyn u tari kara kobcinta dhaqaale ee ganacsatada reer
Somaliland ayaa waxay tahay lagama maarmaan in loo sameeyo iyaga sharciyo
ay waddanka ku soo geli karaan kuna joogi karaan inta ay wax ka
iibsanayaan suuqyada magaalooyinka Somaliland. Dadkani waxay dalka joogaan
muddo kooban oo aan ka badnayn bil ama laba bilood si ay wax u iibsadaan.
Shaqaalaha khubarada ah ee cilmiga sare leh iyo kuwa ajanabiga ah ka
shaqeeya hay’daha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, iyagana in loo
sameeyo sharci waafaqsan hawlaha ay ka hayaan Somaliland. Sharcigan oo
xadidan kuna dhammaanayaa marka ay shaqadoodu dhammaato.
.Dadka ganacsiga ku haysta magaalooyinka Somaliland sida dukaamada ama
bushaarooyinka ee bixiya cashuurta in iyana la siiyo sharci ay dalka ku
joogaan. Waxaana waajib ah in dabagal lagu sameeyo inuu si hufan cashuurta
u bixiyo iyo shaqaalaha ka shaqeeya halka ay ka soo jeedaan.
In wacyigelin ballaadhan looga baahiyo wergeysyada, TV-ga iyo idaacadda,
ayna ka qayb qaataan dhammaan waaxyaha dawladda, waxgaradka iyo xisbiyada
sidii dadka reer Somaliland loo bari lahaa inaanay ku tacadiyin oo ku xad
gudbin xuquuqda dadka dalka ka baxaya. Loona illaaliyo xaqooda, laguna
xurmeeyo bixidda inta ay ka agab uruursanayaan.
Inay tallaabani ay dhasho xal waara oo lagu sugo xuduudaha Somaliland,
lana xoojiyo waaxda socdaalka ee dhammaan ilaha laga soo galo dalka.
In la sameeyo laan gaar ah oo qaabilsan dadka ajnebiga ah ee jooga dalka
si goor walba loo tiro koobi karo, loona ogaado mid walba shaqada uu qabto
iyo halka uu ku sugan yahay. Qaybtani waxay kaloo mas’uul ka noqonaysaa
cusboonaysiinta iyo ka qaadista sharciga qof ka la siiyey haddii uu
sharciga dalka ka hor yimaadda.
Wa Billaahi Tawfiiq,
Eng. Nasir Xaaji Cali Shire
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Qaaradda Yurub.
Top
AF-JINACLEY
Sheeko – Waxay Qoray A. A. Garas, Waxana Tifaftiray A. Ducaale - Q:
3aad |
Dabadeedna ninkii Faarax ee doonayay in la fasaxo,
sugayayna ayaa hadal loogu soo geba-gebeeyay in keligii geella looga
tegayo, kadibna ninkii Cawil Dhoobaale ayay talo ku cadaatay, waxaana ka
soo hadhay aamusnaan, afkiisana hadal waa ka soo bixi waayay, laakiin
Askar intaa kuma joojin hadalka ee dhawr jeer oo dambe ayuu weedho
kul-kulul oo canaan ah soo celiyay, waxana hadalladiisii canaanta ahaa ka
mid ahaa; “Waan tegayaa baad iska leedahay, Alla maxaa nacas-nimo kugu
jirta, ma saaka oo kale ayaa dumar baa halkeer joogay iyo marmarsiinyo
lala yimaaddaa.” Hase yeeshee, Cawil Dhoobaale, cannaantaa iyo waxaas oo
hadal ahi maankiisa kuma duxin, dhegna uma jalaqsiin hadalka iyo cannaanta
Askar, wuxuuna ahaa nin ay meeli isaga kir-kirrantay oo galabta go’aan
meel dhigtay, isla markaana Cawil sheekada geella iyo Jiilaalku uma
muuqdaan ee wax kalaa dareenkiisa ku fooggan, waxaana maskaxdiisa ka
guuxaya tashi la xidhiidha sidii uu u bixi-timi lahaa iyo sidii uu ugu
gurman lahaa Shukri iyo hooyadeed. Laakiin Cawil Dhoobaale, waxa xaaladda
mashaqada leh ee hortiisa taal ka dul-boodsiinaya mawjad Jacayl ah oo uu
maankiisu la baaxaa-degayo, kuwaas oo ay xusuustuna damaqday, waxaana
mawjadahaa jacaylka ah qalbigiisa ku beertay timo-dheertii Inaabtidii ee
dayrtii hore la siiyay. Sidaa awgeed, dareenka Askar iyo ka Cawil waa kala
haab, Cawil-na uma muuqdaan waxa walaalkii Askar u muuqdaa ee nin-ba wax
baa ku fooggan, waxayna kala noqonayaan laba nin oo nin walba wax gaar ahi
shidayaan. Askar waxa uu ahaa nin abbaari hayso, Cawil-na wuxuu ahaa nin
caashaq hayo.
Askar waxa uu ahaa nin weyn oo cimrigiisu kontomeeyo kor u dhaafay, wuxuu
gaadhay xiligii ay lexo-jecladu ama garashada ka gumaysan jirtay. Tusaale
ahaan, Askar, waxa uu lahaa lix carruur ah iyo hooyadood, laakiin
habeenkaa muu ogeyn waxa ay ku ciidan yihiin, waxaadna moodaysay in ay
tuldaha geella ahi wax walba kala qiimo weyn yihiin. Askar reerkiisa waxa
ugu war dambaysay maalin dhawr toddobaad laga joogo. Xilligaas oo loo
sheegay inuu adhigii farahooda ka baxay, dadkiina loo daad-gureeyay xeryo
dadka Caydha ah loo oodday.
Caweysin dambe ayay qaadatay intii Askar hadba ku celcelinayay cannaanta
Cawil, halka uu Cawil-na aamus iyo tashi hoose naftiisa kula shawrayay.
Laakiin ugu dambayn Askar oo suxulka dhigtay oo doonaya inuu jiifsado ayaa
Cawil ku yidhi: “Waaryaa waa wiilka, anigu habeen-badhka ayaan kacayaa oo
waan guuraynayaa oo ceelkii baan qabanayaa ee geellaa wadeecada iyo
waddada cowga (dayaca) ka raw oo marka berito uu foofo soo aroori oo
ceelka keen.”
Cawil haye iyo maya midna ma odhane, wuu iska aamusay, taasina Askar wuxuu
u maleeyay nin amarkiisa iyo waxa uu u sheegay qaatay, laakiin wax baa
isaga meel u yaalay.
Asalkaba Cawil, waxa uu ahaa nin madax adag oo caqligiisu wixii go’aansado
aanay ciddina ka looddin karayn, waxa uu doonayana aanay ciddina u
dacarrayn karayn, sidaa darteed habeenkaa inuu Shukri ku tibado oo halka
ay joogto uu tago mooyaane wax kale caqligiisa uma ay qudh-qudhsanayn.
Sidaa awgeed, habeenkaas dhinaca oo uu dhulka yara dhigo mooyee hurdo
indhaha iskuma dhibiq-siin.
Goor ay mir dhexe tahay ayuu ninkii Askar oodda weydaartay oo ceelalyadii
u baqoolay. Cawil markii uu ogaaday inuu ninkii Askar tegay ayuu nefis
dareemay, isaga oo markii hore joogista Askar karaahiyaysanayay,
dabadeedna tashigiisii ayuu u laba-laxaadsaday, wuxuuna ugu dambayntii
qaatay go’aan Axmaqnimo ku jirto, taas oo uu qalbigiisa iyo maskaxdiisaba
ku qanciyay, kuna amray inuu geellaa iska dhaqaaqo, waayo; mararkii hore
waxa uu ka fekerayay sidii uu Askar ugaga baxsan lahaa geella, laakiin
markii uu Askar dhaqaaqay ee isagii [Cawil] iyo geellii loo kala dhaqaaqay
ayuu isna go’aansaday inuu iska dhaqaaqo oo uu geellan waraabaha uga
baxsado. Dabadeedna ninkii Cawil markii uu waagu guduutay ayuu intuu
sibraar caano yari ugu jireen degta u ritay, geelliina nirgo iyo
waaweyn-ba oodda ka rogay oo dhinaca hawdka ama oogada u dareeriyay ayuu
isna jihada waqooyi oo ah meeshii ay Shukri ka xigtay afka saaray.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Wiil yari gadaal moog”. Cawil waxa uu
ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u da’ yar, taas awgeed waxa uu qaatay
go’aan aanu ka fekerin halka uu ku dambayn doono, iyadoo dhinaca kalena ay
adkayd inuu nin Soomaaliyeed inta uu xoolihii waraabaha u sii daayo,
gabadh yar doonto.
Cawil dhallinyaro-nimada ka sokow, waxa kale oo lagu odhan jiray ama lagu
xaman jiray ummad-xoolaad ma aha iyo waa xoolo hunno, laakiin marna la
isma lahayn dayac intaa le’eg ayuu samaynayaa.
Jiiddu waxay ahayd meel waraabuhu habeen iska dhaafoo hadhka galay xoolaha
hororo, sidaa darteed shaki kuma jirin in aanay geellaa iyo dhurwaagu
casarka dheer isla gaadhayn. Laakiin Cawil malihiisa waxa uu is lahaa
maadaama uu geella kalkiisii yahay oo uu oomman yahay, ceelkii ayuu
tegayaa, kadibna halkaas ayaa Askar ka heli doonaa.
La soco. Top
| WAADIGA
CIYAARAHA: Xalay Iyo Ciyaarihii Championship League |
C/fataax M. Caydiid
Xalay Iyo Ciyaarihii Championship League:
Arsenal Oo Dambaska Ka Dhigtay Kooxda Inter
Milan Oo Ay Garoonkeeda San Siro Kula Ciyaaraysay
Milan (W. Wararka) – Xiddiga kooxda Arsenal ayaa cashar lama ilaawaan ah u
dhigay kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan oo ay gurigeeda San Siro kula
ciyaarayeen xalay, taasina waxay dib ugu soo celisay rajadii ay ugu soo
gudbi lahayd wareega 16-ka kooxood ee Tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub
(Champions League).
Henry ayaa hogaanka dhigay kooxda Arsenal badhtamihii qaybtii hore
ciyaarta, ka hor intii aanay Inter ku barbarayn darbad laad xoog ah oo uu
Christian Vieri ku laaday goolka, taas oo sii taabatay difaaca kooxda
Arsenal.
Kooxda Gunners ayaa mar kale ciyaarta ku hormartay gool uu u saxeexay
Freddie Ljungberg, ka hor intii aanu Henry goolkii saddexaad u dhalin,
halka uu ciyaaryahanka Edu kubad fudud ku dhaliyay goolkii Afraad ee
kooxdiisa laba daqiiqadood ka hor dhammaadkii ciyaarta, balse waxa weli
hadhsan wakhti uu Roberto Pires ku dhaliyo laad dheer goolkii shannaad ee
kooxda Arsenal.
Markii ay kooxda Arsenal marti-gelisay kooxda Talyaaniga ah ee Inter
ciyaartii is-araga hore ee labadan kooxood ee isku guruubka ah, ciyaarta
si rasmi ah ugu dhammaatay qaybtii hore ciyaarta. Laakiin Gunners-ku ayaa
ugu dambayntii awooday in ay muuqaalkoogii ciyaareed ee Premiership-ka in
ay la tagaan hirdanka tartanka Yurub oo ay ka soo kabtaan khasaarihii 3-0
lagaga badiyay garoonkooga Highbury.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayay ciyaartoyda labada kooxoodba ka muuqatay
taxadir aad u weyn, taas oo keentay in ay labada kooxoodba ciyaarta si
degan u ciyaaraan, iyadoo ay ciyaartoydu labadaas kooxood weerarada ay
qaadayaan ahaayeen qaar qiyaasan oo foojignaan badani ku jirto difaaca iyo
weerarba hadba kay noqoto. Laakiin waxay taasi meesha ka baxday, kadib
daqiiqadii 25aad markii ay ciyaartoyda Gunners-ku jebiyeen difaacii Inter
ee xoogga badnaa, iyadoo ay gool ku hor mareen, kaas oo uu u saxeexay
xiddiga gool-dhallinta u sita kooxda Arsenal ee Faransiiska ah, Thierry
Henry, kadib markii uu baas qurux badan ka helay difaacyahanka da’da yar,
isla markaana aadka u firfircoon ee Ashley Cole, isagoo khadka rigooraha
gudihiisa kaga laaday kubad, koone hoosena goolka ka dhigay.
Ciyaartii ay mar keliya jewigeedii isbedelay kadib, goolkaas, waxaanay
ciyaartoyda kooxda Nerazzuri ay weerarka soo wada galeen, taas oo ciyaarta
kululaysay, iyagoo isku dayayna in ay goolka lagaga hormaray barbareeyaan.
Taas ayaa u suurta gashay 7-daqiiqadood kadib oo ahayd daqiiqadii 32aad,
waxaanay taasi ka dhalatay, kadib markii xiddiga gooldhalinta ee kooxda
Inter, Christian Vieri uu kubad laad xoog ah kaga laaday goolka meel
khadka goolka dibadda ka ah, taas oo ku sii dhacday adinka difaacyahanka
Kolo Toure, kadib jihadii ay kubaddu u jeeday ka leexatay oo khiyaamaysay
goolhayaha Arsenal Jens Lehmann, goolkana sidaa ku gashay, waxaanay
ciyaartii noqotay barbardhac 1-1 ayna ciyaartu sidii hore aad uga
kululaatay, xamaasadeeduna marba marka ka dambaysa sii kululaanaysay.
Kooxda Milan ayaa hogaanka qabsan karaysay, balse kubad laad xor ah oo uu
goolka ku laaday Marco Materazzi ayuu goolhaye Lehmann si wanaagsan uga
badbaadiyay oo uga qabtay, laakiin Arsenal ayaa qaybtaa hore ku
raaxaysatay, waxaanay ku dhammaatay qaybtii hore barbar-dhac 1-1 ah.
Qaybtii labaad ayaa xataa uga sii wanaagsanaatay kooxda Arsenal, kadib
markii Ljungberg mar kale hogaanka ciyaarta ku soo celiyay muddo afar
daqiiqadood gudahood ah. Henry ayaa kubadda soo bixiyay, kadib markii
kubad uu dhinaca bidix ka soo karoosay uu helay ciyaartoyga reer Sweden oo
aan cidin ilaalinayan, kadibna uu meel dhow kaga taabtay kubadda goolka.
Henry ayaa awoodi karayay inuu gool saddexaad u dhaliyo, balse iyadoo ay
ahayd oo keliya inuu kubadda la dhaafo Francesco Toldo goolhayaha Inter,
ayuu isku dayay haddana inuu kubadda la jeesto oo saaxiibkii u celiyo,
halkii uu kubadda ku tijaabin lahaa goolka.
Kooxda Arsenal ayaa daqiiqado yar la geliyay qirinqiir, kadib markii ay
ciyaartoyda kooxda Inter ugu dambeyntii heleen waxoogeey dedaal ah.
Markanse waxa badbaadinta iska lahaa goolhaye Lehmann, kadib markii uu
qabtay kubad uu madaxa ku soo dhuftay Fabio Cannavaro, halka Andy van der
Meyde laad xor ah oo uu ku laaday goolka dusha ka mariyay birta goolka.
Laakiin iyadoo ay dhinaca weerarka ka jilicsanayeen kooxda Inter, ayaa
haddana waxa uu ducuf kale ka muuqday khadka dambe ee difaaca, taas oo u
suurta gelisay ciyaartoyda Arsenal in ay jiidhaan.
Kooxda Arsenal oo u ekayd in ay ciyaartan caawa [xalay] tahay mid ay ku
gacan sareeyaan, ayaa mar kale Henry kubad la soo baxsaday, waxaanu
dhaafay Javier Zanetti ka hor intii aanu laad ku dhaafin kubadda goolhaye
Toldo, taas oo koone ka gashay goolka.
Kadib ciyaartoyda kooxda Inter ayaa lagu soo jujuubay in ay weerar soo
galaan, taasna waxa ka faa’iidaystay Edu iyo Pires, oo ay laba gool
wakhtigii dhammaadka dhaliyaan.
Guusha ayaa ah tii ugu horeysay muddo sannad ah ay kooxda Arsenal garoon
aan garoonkeeda ahayn ku badiso tartamada ciyaaraha Yurub, waxaanay tani
dhigtay in ay ka sareysa kooxda Inter ee isku guruubka yihiin, waxaanay u
baahan tahay in ay ugu gudubto wareega 16-ka kooxood keliya in ay badiso
ciyaarta ay gurigeeda Highbury kula ciyaarayso kooxda Lokomotiv Moscow.
Dhinaca kale ciyaartii labada kooxood ee isla guruubkan Group B ee
Lokomotiv Moscow iyo Dynamo Kiev ayaa ku dhammaatay guul ay faa’iido ku
heshay kooxda Lokomotiv Moscow oo ay 3-2 kaga adkaatay kooxda Dynamo Kiev
xalay. Top
|