Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

Issue 470 Nov.26, 2003

Munaasibadii Ciidul-Fidriga Iyo Duruufihii Kala Duwanaa Ee Lagaga Ciidday Caasimadda Hargeysa Iyo Gobollada Somaliland

“Dhowaan Ayaanu Shirkadaha Sucuudiga Kula Kulmaynaa Riyaad, Waxaanuna Ku Kalsoonahay In Xayiraadda Laga Qaado Xoolaha Somaliland”, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland

Hay’adda WFP Oo Raashin U Qaybinaysa Dadka Abaartu Tabaaleysay

Caalamka Islaamka Oo Duruufo Kala Duwan Ku Xusay Munaasibadda Ciidda

Madaxweyne Rayaale Oo Laga Filayo Inuu Isku-Shaandhayn Iyo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirrada, Yaa ka mid ah Shaqsiyaadka iyo Wasaaradaha ay Tallaabadani Saameynayso?

Cibaarooyinka Taariikhda
Siyaasadeed Ee Somaliland 1884-2003
Qore: Cabdirisaaq Caqli – Q: 7aad

Dad Cusub Oo Loo Qabqabtay
Qaraxyadii Ka Dhacay Istanbuul

Xabad-Joojin Ka Dhaqan Gashay Xuduudda Hindiya Iyo Pakistan

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Aragtida Qurba-Jooga UCID Ee Mustaafurinta Ajaanibka

AF-JINACLEY
Sheeko – Waxay Qoray A. A. Garas, Waxana Tifaftiray A. Ducaale - Q: 3aad

WAADIGA CIYAARAHA: Xalay Iyo Ciyaarihii Championship League


Munaasibadii Ciidul-Fidriga Iyo Duruufihii Kala Duwanaa Ee Lagaga Ciidday Caasimadda Hargeysa Iyo Gobollada Somaliland, Su’aashii dadku iska Weydiiyay dhinaca Madaxweynaha, Sixmadii Qaadka
ee Gelinkii dambe iyo Warbixinaha Weriyayaasha Haatuf ee gobollada Fog-fog

Hargeysa (Haatuf) – Salaaddii Ciidul-fidriga ayaa shalay laga tukaday caalamka islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan dhulka Somaliland, iyadoo gobolada iyo degmooyinka Somaliland dhamaantood laga tukaday salaadda Ciidul-fidriga, taas oo ay dadka magaalooyinka Somaliland ku dhaqani tukashada salaadda Ciidul-fidriga iyo damaashaadka munaasibadda Ciidda si weyn isugu soo baxeen masaajidada iyo garoomada, waxaana meelkasta dadweynaha kula tukaday masuuliyiinta dawladda ee kala duwan. Hase yeeshee caasumadda Hargeysa madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne-kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa dadweynaha kula tukaday Masjid Jaamaca weyn, waxayna dadku meelkasta oo ay joogeen ku ducaysteen in illaahay ka kor-qaado dhibaatada abaarta ee ka taagan inta badan gobolada Somaliland. Laakiin masuuliyiinta dawladda ee dadka la tukaday hadii ay yihiin kuwa gobolada iyo hadii ay yihiin hogaanka sare ee dawladda ayaa iyaguna kelmado ku wajahan munaasibadda ciidda ka jeediyey meelihii ay dadku isugu soo baxeen.

Madaxweyne Rayaale waxa koleyba laga filayey dadka u jeediyo khud-bad ku wajahan munaasibadda ciidda, kana hadlo xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira, gaar ahaan arimaha maamul iyo siyaasadeed ee hogaankiisa oo uu ka waramo halka uu xaal marayo, iyadoo ay sida caadiga ah madaxda dunida islaamku fursadahan oo kale uga faa’iidaystaan khud-bado ay u jeediyaan shucuubtooda, taas oo ay uga waramaan xaaladaha ay dalalkoodu ku sugan yihiin, uguna bushaareeya wixii yididiilo ah ee jira, laakiin madaxweyne Rayaale kama ay soo bixin wax ka badan dhawr erey oo duco ah, taas oo uu Masjid-Jaamaca ka jeediyey ka dib markii laga soo jeestay tukashadii salaadda, wuxuuna yidhi “Waxaanu illaahay ka baryeynaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo badhaadhe, waxaynuna illaahay waydiisanaynaa inuu inaga soo furto abaarta ina haysa oo uu inaga aqbalo ducadii aynu samaynay maalintii dhowayd. Ummadda reer Somaliland-na meel kasta oo ay joogto waxaan illaahay uga baryayaa inay ku noolaato amni, iimaan iyo barwaaqo”.

Intaa ka dib Madaxweyne Rayaale waxa uu ka baxay albaabka masaajidka, wuxuuna dib ugu laabtay qasriga madaxtooyada iyadoo ay hareeraha ka yaacayaan duub-casta ilaaladiisa oo hareeraha ka lusha raxan baabuur ah.

Runtii dadku aad bay ugu dhegtaagayeen inuu madaxweynuhu munaasibadda ciidda darteed ka hadlo xaaladda dalka iyo hadii uu hayo wax bushaaro ah oo cusub, laakiin markii ay dadku taa waayeen waxa dareenkooda ka soo baxayey waxoogaa dunuunuc ah, iyadoo ay dadkii madaxweynaha meel kula tukaday qaarkood iswaydiinayeen “madaxweynuhu muxuu u hadli-waayey”, halka ay dadkii meelaha kale ku tukadayna dadka dhinaca Masjid Jaamaca ka yimi, gaar ahaan colka saxaafadda ku badiyeen su’aasha ah “madaxweynihii ma hadlay”, taas oo marka ay jawaabtu noqoto “maya ee wuu duceeyey” ay hadana soo tuurayeen “Oo muxuu u hadli-waayey”.

Nin ka mid ah dadkii Masjid Jaamaca ku tukaday oo fadhiyey safka ku saddex ah safka u horeeya ee madaxweynuhu fadhiyey ayaa markii salaadda laga soo jeestay kor u dhawaaqay, kuna tiraabay ereyo ay ka mid yihiin “Dawladda waxaanu leenahay aanu amaan helno”.

Inkasta oo aan ninkaa la wada fahmin ujeedada hadalkiisa, hadana markii uu dhawaaqa caynkaas ahi ka yeedhay masaajidka dhexdiisa dareenka dadkii masaajidka ku sugnaa oo dhan ayaa jaleecay dhiniciisa, waxaana abuurmay waxoogaa guux iyo xanshashaq ah, waxaase ninkaa la hadlay oo shucuurtiisa dejiyey wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan oo saf ku xiga safka uu fadhiyey ninka dhawaaqay, isaga oo u kacay goonina ula faqay.

Salaadda ka dib waxay dadku ku baaheen suuqyada iyo wadooyinka magaalada, waxaana guud ahaan dadka caasumadda Hargeysa ku dhaqan shucuurtooda ka muuqday jawi farxadeed, iyaga oo isdhaafsanayay kelmadaha caanka ku ah munaasibaddan oo kale, sida “Ciid mubaarak” iyo “Saamaxnaakum”, waxayna dadku ku faafeen booqashooyinka qaraabada iyo asxaabta, iyaga oo isugu hambalyeynaya munaasibadda ciidda.

Farxadda ciidda awgeed kumanaan caruur ah iyo waalidiintood oo dal-dalsanaya ayaa iyaga oo inta badan lebisan dhar cusub, farahana ku sita alaabta ay caruurtu ku ciyaarto dhexmushaaxayey suuqyada, meheradaha wax laga cabo iyo xaafadaha magaalada, isla markaana waxa magaalada ku badnaa sawaxanka iyo cidhiidhiga dadka iyo baabuurta isu soo baxa munaasibadda ciidda awgeed.

Inkasta oo ay inta badan dadweynaha reer Hargeysa ku ciideen jawi farxadeed, hadana taa macneheedu ma aha inay cid waliba sidaa ahayd ee waxa jira qoysas badan oo ka qatanaa dareenka farxadeed ee ciidda, iyadoo ay sababtuna tahay fara-madhnaan dhaqaale, taas darteedna ay awoodi kari-waayeen inay caruurtooda u iibiyaan maryaha iyo qalabka caruurtu ku ciyaarto. Hase yeeshee inkasta oo dhibaatada meel ka jirtaa ay dalka oo dhan saamanayso, hadana waxaad moodaa inay Hargeysa waxoogaa ka jimcon tahay magaalooyin badan oo ay si xun uga dul-qiiqayso dhiilada abaartu. Gelinkii dambe waxa magaalada Hargeysa ka abuurmay jawi sawaxan iyo buuq badan, waxayna taasi ka dhalatay, ka dib markii uu qiimaha qaadku cirka isku shareeray, taas oo ay ugu wacnayd qaadka oo si suququl ah magaalada loo soo geliyey, waayo waxa dib looga dhigay waqtigii caadiga ahaa ee uu iman jiray, isla markaana waxa la soo geliyey xaddi ka yar intii hore, halkaana waxa ka dhashay sixmad badan iyo buuq. Tusaale ahaan qaadka loo yaqaan Dadarta waxay maalintii shalay Majintu gaadhay 14000—15000 Sh.Sl, halka ay ciidda ka hor qiimaheedu ahaa 5000 ilaa ugu badnaan 7000 Sh. SL. Laakiin kaalmaha iyo kabadhada lagu iibiyo qaadka nooca loo yaqaan Madhabka ama Jebiska ayaa ugu buuq iyo sixmad badnaa, taas oo ay kabadhada qaarkood ku soo xoomeen boqolaal nin, halkaasna qaylada iyo isgarbintu cirka u baxday.

Dhinaca kalena weriyayaasha Haatuf ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa ku soo waramay inay si wanaagsan uga dhacday tukashadii iyo damaashaadkii munaasibaddii ciidda.

Weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar ayaa ku soo waramay inay boqolaal kun oo qof isugu soo baxeen tukashadii salaadii Ciidul-fidriga, waxaana dadweynaha reer Boorame tukashada salaadda kala qayb galay madaxda maamulka Boorame iyo weliba rag ka tirsan baarlamaanka iyo golaha degaanka.

Sida uu ku soo waramay weriyuhu waxa dadka reer Boorame ka muuqday dareen farxadeed iyo bilic dhinaca muuqaalka ah, laakiin inkasta oo ay koleyba jirto duruuf dhaqaale, hadana marka la eego bilicda dadka ka muuqatay waxay taasi ka turjumaysay inaanay xaaladda dhaqaale ee dadku ahayn mid liidata.

Badhasaabka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi ayaa ka mid ahaa madaxdii tukashada salaadda ka dib dadka la hadlay, wuxuuna badhasaabku dadka reer Awdal u rajeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad iyo barwaaqo, uguna baaqay inay nabadda iyo horumarka gobolka ka shaqeeyaan. isaga oo dhinaca kalena u rajeeyey inuu dadka reer Awdal illaahay tuso waxa uu ugu yeedhay jidka ugu haboon ee buu yidhi xal loogu heli karo mushkiladaha waqtigan ka taagan gobolka oo ay ka mid yihiin dhaqamo cusub oo aan hore looga aqoon.

Weriyaha Haatuf ee Burco, Axmed Aadan Yuusuf ayaa isna ku soo waramay inay dadkii ugu tirada badnaa garoomada iyo masaajidada magaalada Burco isugu soo baxeen dadkii ugu xaddiga badnaa.

Daroonka kubadda cagta oo ah goobta ugu weyn ee ay dadweynaha reer Burco salaadaha ciidda isugu soo baxaan ayaa shalay dad la ceeryoomay oo meel la kala joogsado la waayey, iyadoo masaajidada waaweyn ee magaaladana lagu tukaday. Laakiin masuuliyiinta dawladda ee Burco, gaar ahaan badhasaabka gobolka iyo maayarka Burco (Cabdi Xuseen Dheere & Maxamed Diiriye Xayd) ayaa intii aan salaadda la gelin dadkii isugu soo baxay garoonka kubadda cagta hadalo u jeediyey, waxayna si gaar ah uga hadleen duruufaha ka jira gobolka oo ay ugu weyn tahay abaartu, iyaga oo dadka ugu baaqay illaah bari iyo duco. “Xaalad adag ayeynu ku jirnaa, ee waa inaynu illaahay barinaa, dadkuna waa inay isu abaabulaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhibaatada abaaraha”ayey yidhaahdeen madaxdu.

Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo duco u badan ka jeediyey culimada diinta, waxayse munaasibaddii ciidda ee shalay kaga duwanayd munaasibadihii ciidda ee sannadihii sannadkan ka horeeyey, iyadoo aan haba yaraatee la soo hadal qaadin wax dareen siyaasadeed ama khilaaf diimeed lagu uriyo, halka sannadihii ka horeeyey qaarkood ay dhici jirtay in la soo hadal qaado mawaadiic siyaasadeed ama diimeed oo aanay dad badani jeclaysan jirin, sidaa darteed hadalada madashii Ciidda laga jeediyey waxay u badnaayeen duco iyo isa saamaxaad.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, C/rashiid Xasan Cabsiiye ayaa isna warbixin dheer oo uu kaga hadlay jawigii ciidda iyo dhaqdhaqaaqyo oo la xidhiidha duruufaha gobolka oo lagu beegay munaasibadda ciidda nooga soo diray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag, wuxuuna weriyaha Haatuf warbixintiisa ku yidhi “Inkasta oo ay abaar ba’an oo si weyn u saamaysay nolosha dadka gobolka ka jirto, hadana guud ahaan jawi farxadeed ayey dadku ku ciideen, waxaase dareenka munaasibadda ciidda ee dadka ku xeernaa waayo iyo duruufo kala duwan.
Inta badan qoysaska reer Ceerigaabo waxay caruurahoodu ku ciideen jawi la moodo inuu ka farxad iyo shacni badan yahay ciidihii ka horeeyey, laakiin dhinaca kalena boqolaal qoys oo ku nool miyigi gobolka Sanaag ee ay Ceerigaabo magaalo-madaxda u tahay ayey caruurahoodu ku ciideen jawi macaluusha iyo darxumadu ku badan tahay.

Inkasta oo ay xiliga qaboobaha dad badan oo markii Ceerigaabo deganaa u guureen magaalooyinka xeebaha sida Xiis, Maydh iyo Laasqoray, hadana marka la eego tobankii sannadood ee ugu dambeeyey dadkii ugu tirada badnaa ayaa salaaddii Ciidda ku tukaday garoonka kubadda Cagta magaalada Ceerigaabo ee la yidhaahdo DAALLO, iyadoo ay dadka halkaa isugu soo baxay qiyaas ahaan tiradoodu gaadhaysay dhawr iyo toban kun oo qof, waxayna dadku si weyn ugu ducaysteen in illaahay dhibaatada abaarta ka jebiyo oo naxariis roob u shubo, iyadoo ay masuuliyiinta dawladda ee gobolka dadka la tukadeen, halkaana hadalo ka jeediyeen.
Badhasaab-xigeenka Sanaag, C/casiis Xasan Siciid ayaa halkaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn dadka u gudbiyey salaan uu sheegay inuu u soo diray madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, dadkana u rajeeyey inay sannadka dambe ku gaadheen nabad iyo barwaaqo.

“Waxaan dareemayaa farxad, hadana waxaan kale oo dareemayaa dhibaatada”, sidaa waxa tidhi Qorsho Mire oo aan kula kulmay aqal Soomaali ay urur haween ahi ku qabteen xaflad la xidhiidha munaasibadda ciidda. Sidoo kale Hodan Barre ayaa iyana iyadoo muujinaysa dareenkeeda waxay tidhi “Waxaan dareemayaa farxad iyo rayn-rayn iyo nabadgelyo, illaahayna waxaan ka baryayaa inuu abaarta inaga jebiyo”.

Urur samafal wadaniya oo magaciisa la yidhaahdo Kalkaal maalintii shalay afar xarumood oo uu ku leeyahay magaalada Ceerigaabo raashin Fidri ah ugu qaybiyey boqol qoys oo ka mid qoysaska ugu jilicsan dadka magaalada, raashinkaasna waxa laga soo ururiyey qoysaska laddan ee reer Ceerigaabo.

Toddobaadkii u dambeeyey ee bisha Ramadaan dhaxan qabow oo ilaa saddex goor ka badan dhaxantii xiliga jiilaalka lagu yaqaanay cimilada Ceerigaabo ayey dadku dareemayeen.

Inkasta oo ay jireen caruuro aan siddan dhar cusub iyo qalabka caruurtu ku ciyaarto, hadana boqolaal caruur ah ayaa kaga sanqadhinayey noocyada kala duwan ee qalabka caruurtu ku ciyaarto.
Iyadoo ay dad badan oo reer Ceerigaabo ahi hadda u tafaxaydan yihiin sidii loo caawin lahaa dadka abaaruhu naafeeyeen, hadana waxa ciiddii shalay wadooyinka magaalada Ceerigaabo hoganayey dad badan oo dawersanaya oo ka mid ah qaxootiyada dhinaca Somaliya ka soo haajiray, iyadoo ay dadka reer Sanaag door-bidayaan inay saarista dadkaasi noqoto mid qorshaysan oo aan turxaan lahayn”ayuu weriyaha Ceerigaabo ku soo xidhay warbixintiisa.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa isna ku soo waramay in salaaddii ciidul-fidriga si weyn looga ciiday degaamada Gebilay, waxaana tukashadii salaadda dadka reer Gebilay la hadlay maayarka, C/qaadir Axmed Cumar, wuxuuna maayarku ugu horayn ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee degmada, isaga oo xusay niman Somalida koonfureed ah oo dhowaan fal budhcadnimo ah ka sameeyey degaanka Gebilay, ka dib markii ay dhaceen lacag xaddigeedu gaadhayo inka badan milyan iyo saddex boqol oo Birta Itoobiya ah. Waxa kale oo uu maayarku dadka reer Gebilay ugu baaqay inay isu tagaan sidii ay gacan u siin lahaayeen dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee gobolada bari. Sidoo kale odayaal halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay caawimada dadka abaaruhu naafeeyeen isu tabaabushaynayaan.

Magaalooyinka Arabsiyo, Tog-wajaale, Kalabaydh oo ka tirsan degmada Gebilay iyo degaamada degmada kale ee Allaybadday ayaa si weyn looga ciiday.

Top


“Dhowaan Ayaanu Shirkadaha Sucuudiga Kula Kulmaynaa Riyaad, Waxaanuna Ku Kalsoonahay In Xayiraadda Laga Qaado Xoolaha Somaliland”, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland

Hargeysa (Haatuf) – Wasiirka xanaanada xoolaha ee dawladda Somaliland, Dr. Idiris Ibraahin Cabdi ayaa shalay sheegay in rajo weyn laga qabo inay dawladda boqortooyada Sucuudi Arabiya dhowaan xayiraadda ka qaado xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in badhtamaha bisha Shawaal ee aynu ku jirno badhtamaheeda ay wefti dawladd Somaliland ka tirsani socdaal ku tegayaan dalka boqortooyada Sucuudi Arabia, halkaana ay wada hadalo kula soo yeelanayaan madaxda arimaha xoolaha qaabilsan iyo ganacsatada xoolaha ee Sucuudiga.

Wasiirka xanaanada xoolaha dawladda Somaliland waxa uu doraad ka soo laabtay safar uu muddo laba toddobaad ah ugu maqnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ka dibna weriyayaal Haatuf ka tirsan ayaa wasiirka wax ka waydiiyey ujeedada socdaalkiisa iyo inta ay rajada ah in ganacsiga xoolaha laga qaado xayiraadda, wuxuuna wasiirku sheegay inuu jiro xidhiidh ku saabsan mawduucan oo u socda Somaliland iyo Sucuudiga, laakiin waxa uu sheegay inuu xidhiidhkan qayb weyn ka qaatay madaxweyne Rayaale, hawlahana uu madaxweynuhu u igmaday.

Wasiirka xanaanada xooluhu ugu horayn isaga oo ka waramaya safarkiisii Dubai iyo dadkii uu halkaa kula kulmay waxa uu yidhi “Magaalada Dubai waxaanu ku wada hadalay shirkado ganacsiga xoolaha ah oo Sucuudi ah, kuwaas oo uu wada hadalku weli noo socdo iyaga iyo weliba shirkado Ciraaqiyiin iyo Iiraaniyiin ah”.

Wasiirku waxa uu sheegay inay ganacsatada Ciraaqiyiin ahi ee ay Dubai kula kulmeen ku talo jiraan inay xoolaha ay Somaliland ka iibsadaan ka dejiyaan dekedda la yidhaahdo Caqaba ee dalka Jordan, wuxuuna yidhi wasiirku “Ciraaqiyiintu iyaga ayaa halkan inoogu imanaya”. Laakiin wasiirku waxa uu sheegay in wefti balaadhan oo Somaliland ahi ay badhtamaha bishan Shawaal ee aynu ku jirno badhtamaheeda u kicitimi doonaan dalka boqortooyada Sucuudiga, weftigaasina ay magaalada Riyaad wada hadalo kula yeelan doonaan madaxda iyo ganacsatada Sucuudiga, wuxuuna yidhi “Badhtamaha bisha Shawaal wefti balaadhan oo aan ka mid ahay iyo rugta ganacsiga Somaliland ayaanu ku tegaynaa magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, waxaanuna uga sii gudbi doonaa dalka Iiraan, wixii bisha Shawaal badhtankeeda ka dambeeya waxaanu ku rajo weynahay inaanu dalalkaa ka helno heshiis garantiin ah (dhamaystiran)”, isaga oo wasiirku intaa ku daray “Marka aanu dhowaan shirkadaha ganacsiga xoolaha ee Sucuudiga kula kulano Riyaad ee ay hawshaasi soo gebagebowda aad baanu ugu kalsoonahay in xoolaheena laga qaado xayiraadda, iyadoo tobankii u dambeeyey aan doonayey inaan tago Riyaad, balse shirkadihii aanu ballansanayn ayaa igaga horyimi Dubai oo aanu halkaa ku kulanay, ta kale wasaaradda beeraha ee Sucuudiga xoolaha u qaabilsan ayaa iyana fasax ahayd oo aan shaqaynayn tobankii cisho ee bishii Ramadaan u dambeeyey”.

Dhinaca kalena waxay warar kale oo madax banaan ayaa tibaaxay inay shirkado ganacsiga xoolaha ah oo Sucuudiga ahi ku talo jiraan inay xajka foodda inagu soo haya ilaa laba milyan oo xoolo ah ka dhoofsadaan Somaliland, taasna lagu rajo weyn yahay inay hordhac u noqoto rajada xayiraad ka qaadista ganacsiga xoolaha ee sayladaha Sucuudiga, laakiin wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Idiris oo la waydiiyey inay arintaasi jirto iyo inkale wuu ka gaabsaday.

Top


Hay’adda WFP Oo Raashin U Qaybinaysa Dadka Abaartu Tabaaleysay

Nairobi, 25/11/2003 (WFP) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee magaceega la yidhaahdo WFP ayaa toddobaadkan gudihiisa bilaabi doonta in ay raashin u qaybiso 60,000 (lixdan kun) oo qof oo ku tabaaloobay abaarta ba’an ee ka jirta gobollada Bari ee Somaliland. Sidaas waxa lagu sheegay warbixin ay hay’adda WFP ka soo saartay shalay magaalada Nayroobi, iyadoo masuulka hay’adda WFP uga wakiilka ah Somaliland/Somalia, Mr. Robert Hauser uu warbixintaas ku sheegay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo lagaga hortago macaluul iyo mashaqo ku habsata dadka ay abaartu sida xun u saameysay.

Warbixintaasi waxa kale oo ay sheegtay in Hay’adda WFP iyadoo la kaashanaysa hay’adda UNICEF ay bishii July 12 goobood oo xarumo caafimaad ah raashin ugu qaybisay dadka abaartu haleeshay kuwa ugu jilicsan, xilligana ay hay’addu bilaabayso in ay raashin ka kooban Galey, Digir iyo Saliid u qaybiso 64,000 (Afar iyo lixdan kun) oo qof oo ku nool 26 tuullo oo ku kala yaal Somaliland iyo Puntland.

Hase yeeshee, Wakiilka WFP, Mr. Hauser, waxa uu sheegay in ay hay’adiisu degdeg ugu baahan tahay kharash dhan $6.5 milyan (lix milyan iyo badh oo doollar) oo ay ku iibsato 8,600 Ton (sideed kun iyo lix boqol oo Ton) oo raashin ah, si ay ugu suurto gasho in ay gacan u siiso dad tiradooda lagu qiyaasay 41,200 (kow iyo afartan kun iyo laba boqol) oo qof, oo ku nool 18 tuullo.

Warbixinta WFP, waxa kale oo ay intaa ku dartay in ay damaanad-qaad dhinaca sugitaanka nabadgelyada hawlaha gargaarka ka heshay laba maamul ee Somaliland iyo Puntland, waxaanay tilmaantay in mandaqadda abaaruhu aafeeyeen ay tahay dhulka soolasha ah ee ku yaalla dhinaca Somaliland labada gobol ee Sool iyo Sanaag, iyo qaybo ka mid ah degmada Bari ee Puntland.

Top


Caalamka Islaamka Oo Duruufo Kala Duwan Ku Xusay Munaasibadda Ciidda

Maka Al-Mukarama (W. Wararka) – Boqolaal malyuun oo muslimiin ah oo ku kala filiqsan daafaha dunida ayaa maalintii shalay ku xusay munaasibada Ciiddal Fidriga, iyagoo u dareeray masaajidada iyo goobo loogu talo galay in lagu tukado salaada ciidda, ka dib markii ay dawladaha islaamka badankoodu ku dhawaaqeen inay shalay ahayd maalinta ciidda.

Dalal badan oo ka tirsan caalamka islaamka ayaa si weyn looga xusay munaasibada ciidda waxaana ka mid ahaa dalalka Sucuudiga, Qatar, Kuweyt, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Marooko, Tunis, Al-jeeriya, Suriya, Lubnaan, Falastiin, Cumaan, Baxrayn, Indoonisiya, Turkiga, Maleesiya, Somaliland, Somaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid ahaa meelaha sida weyn looga xusay ciidda barakaysan. Dalka Libiya iyo qaybta suniga ee Ciraaq ayaa iyaga ciidda laga xusay maalintii Isniintii, waxa kale oo jira dalal tiro yar oo uu ka mid yahay dalk Bakistan ayaa iyaga maanta laga xusayaa ciidda.

Immaamyada qudbadaha ka jeediyey goobaha kala duwan ee la isugu soo baxay maalinta ciidda ayaa ka kala hadlay arrimo badan oo khuseeya caalamka islaamka, Muftiga guud ee Sucuudiga SH-C/casiis Binu Cabdala Alla Sheekh oo ka hadlayey munaasibadii ciidda ayaa ugu baaqay dadweynaha dalkaasi inay gacansiiyaan xukumada Boqortooyada Sucuudiga iyo dagaalka ay kula jirto kuwa rabshadaha wada. Muftiga magaalada barakaysan ee Qudus Sheekh Akrama Sabri oo isaguna ka hadlayey munaasibada ciidda ayaa sheegay inay xaraan tahay in dadka falastiiniyiinta ahi ay ka shaqeeyaan gidaarka ay Israa’iil ka dhisayso deegaanka Falastiin, meelo badan oo ka tirsan caalamka islaamka ayaa si weyn looga hadlay qaraxyadii iyo rabshadihii ka dhacay dalal ka tirsan islaamka sida Turkiga iyo Indoonisiya. Waxa kale oo si weyn looga hadlay dhibaatada ka taagan Falastiin iyo Ciraaq.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Laga Filayo Inuu Isku-Shaandhayn Iyo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirrada, Yaa ka mid ah Shaqsiyaadka iyo Wasaaradaha ay Tallaabadani Saameynayso?

Hargeysa (Haatuf) – Laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxa soo ifbaxay warar isa soo taraya oo tibaaxaya inuu madaxweyne Rayaale isku shaandhayn iyo weliba xil-ka qaadis qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoo ay xogo laga soo dheegtay ilo ku dhowdhow qasriga madaxtooyadu tibaaxeen in jagooyinku isku bedelku saamaynayo ay ka mid yihiin wasaaradaha ugu muhimsan ee xukuumadda, iyadoo labadii maalmood ee ciidda ka horeeyey la saadaalinayey inuu madaxweyne Rayaale maalinta ciidda ku dhawaaqi doono qaybtii ugu horaysay ee isku shaandhaynta iyo xilkaqaadista la filayo inuu ku talaabsado, waxaana la hadal hayey ilaa afar wasaaradood oo muhim ah, waxayna kala yihiin wasaaradaha la hadal hayaa arimaha debedda, maaliyadda, arimaha gudaha iyo caafimaadka, taas oo ay wararku leeyihiin waxa la filayaa inuu madaxweyne Rayaale wasiirada wasaaradahaa xilalka u kala wareejiyo, hase yeeshee sida ay wararku tibaaxayaan wasaaraddo kale inay talaabadaasi saamayn doonto, kuwaas oo laga yaabo in xubnaha wasiirada ka ah qaarna la isku bedelo, qaarna la eryo.

Inkasta oo aanay weli soo debed bixin warar xaqiijinaya inuu madaxweyne Rayaale qaadayo talaabo caynkaas ah, hadana sheekadani dhawrkii caana maal ee u dambeeyey aad bay ugu badnayd atmosfeerka wararka.

Tusaale ahaan meelaha farta lagu fiiqayo waxa ka mid ah wasaaradda arimaha debedda, taas oo laga yaabo in laga bedelo gabadha hadda wasiirka ka ah Edna Aadan, iyadoo ay wararku leeyihiin waxa laga yaabaa in Edna la geeyo wasaaradda caafimaadka, sidoo kale wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale ayey wararku leeyihiin isaga ayaa u findhicilanaya inuu bedelo Edna Aadan, inkasta oo ay warar kalena leeyihiin ninka Edna bedelayaa waa ninka hadda ah wasiirka daakhiliga, Ismaaciil Aadan. Wasiirka caafimaadka Cismaan Qaasin ayey isna wararku leeyihiin waxa laga yaabaa in wasaarad cusub loo wareejiyo.

Waxa kale oo iyana la dareemayey loollan iyo dhaqdhaqaaq wasiirada dhexdooda iyo xataa dadka arimaha u dhuundaloola.

Intii ay sheekadani suuqa soo gashay wasiiru-dawlihii arimaha debedda Maxamed Cabdi Dheere ayaa iscasilay, iyadoo uu Maxamed Cabdi Dheere iscasilaadiisa ku micneeyey inay sababtay dhibaato shakhsiya oo la soo deristay. Hase yeeshee waxay wararku leeyihiin taasi waa iska af-gobaadsi ee wax kalaa jira, waxayna xogaha arintaa ku saabsani bixiyeen tacaaliiq kala duwan.

Wararka qaar waxay leeyihiin jagada uu iska casilay ee wasiiru-dawlaha arimaha debedda ayuu saluugay, taas darteed ayuuna isu casilay, laakiin warar kale ayaa iyaguna leh waxa uu helay war yididiiladiisu xun tahay, ka dibna wuxuu is yidhi sharafta ka xig. Laakiin warar kale ayaa iyaguna leh Maxamed Cabdi Dheere waxa uu isu dhigay inuu isagu noqdo ergeyga hawlaha diblomaasiyadda ee dhinaca debedaha uu madaxweyne Rayaale u igmado maadaama uu yahay wasiiru-dawlaha arimaha debedda, balse markii ay taasi dhici wayday, xagga wasaaraddana uu xiniinyo ka noqday ayuu is-tustay inaan meesha waxba u oollin.

Wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale waxa uu iminka socdaal ugu maqan yahay dalka Jabuuti, iyadoo la sheegay inuu madaxweyne Rayaale u igmaday hawl diblomaasiyadeed, balse waxa ay hawshaasi tahay. Hase yeeshee socdaalka Cawil ee dalka Jabuuti waxa ka sii horeeyey socdaal kale oo aan isna laga wada war qabin oo uu ku tegay dalka Uganda.

Inkasta oo markii uu Cawil u kicitimay dalka Uganda ay gabadha wasaaradda arimaha debedda wasiirka ah Edna Aadan socdaal ugu maqnayd dalalka Maraykanka iyo Britain, hadana markii uu Cawil socdaalka dhinaca diblomaasiyadda ugu bixitimayey Jabuuti way joogtay, taasina waxay noqotay arin su’aal dhalisay, laakiin dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee uu wasiirka maaliyaddu galaabixinayo waxa laga yaabaa inay hordhac u tahay sheeko soo socota . Hase yeeshee waxa jira warar kale oo leh wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan ayaa isna quudaraynaya inuu kursiga arimaha debedda, inkasta oo ay warar kalena leeyihiin waxa laga yaabaa in hadii la bedelo loo wareejiyo wasaaradda maaliyadda. Laakiin war jiraaba cakaara ayuu iman.

Top


Cibaarooyinka Taariikhda
Siyaasadeed Ee Somaliland 1884-2003
Qore: Cabdirisaaq Caqli – Q: 7aad

Gudidii Xog-waranku waxay markiiba socdaalo ku bixisay dhamaan degmooyinka oo idil, iyagoo kulamo la yeelanaya odayo iyo dadka meteli kara dadwaynaha degmo kasta iyo Tuulo kasta. Waxa kale oo ay kulamo la yeesheen Aqoonyahanada, Musheekhda, iyo Xubnaha Wasiirada kala duwan.
Waxa kale oo ay ururiyeen qoraallo talo bixin ah oo ay dadwaynuhu u soo qoreen. Haweenka ayaa qoraalo u soo gudbiyay gudida xogwaranka, iyagoo codsanaya in loo ogolaado codbixinta doorashada.

Gudidii iyagoo tixgalinaya codsiyada qoraalada loo soo gudbiyay ay guda galeen go’aamadii ay ka gaadhi lahaayeen.

Hadii aynu eegno jeedinadii xisbiyada, ee ku saaban tirada guud ee xubnaha golaha xeer dajintu ka koobnaanayo, wuxuu ururka SOU soo jeediyay (27 qof ) Xisbiga NUF-33, Xisbiga SNL-47 Gudidii waxay is la garatay 33.

Waxaa mudan xusuusin xiligii la magacaabay gudida xogwaranka aanu jirin Xisbiga USP, oo aynu hore uga soo sheekaynay qaabkii uu ku abuurmay. Xubnihii NUF-ka ka cadhoodayna kumay jirin talada, hase ahaatee SYL wali may kala jabin.

Kadib waxa la guda galay qaabka loo qaybinayo 33 qof. Waxa laysla gartay in qaybintu u dhacdo qaabka soo bixitaanka qofka kaliya (Single consfituencien ). Taasoo ah in dalka loo qaybiyo 33 Degmo doorasho (Electoral district). (Waxaad moodaa inwali dadka iskaga murugsanyihiin degmada (district) iyo degmo doorasho (Electoral) taasi oo Ingiriisku u arkayay ta ugu haboon marka la eego dhaqanka Somaliland, inay tahay in dalka loo qaybiyo 33 qaybood mar hadii uu yahay tirada dhexe layskugu iman karo.

Waxa taasi xigay sidee dalka loogu qaybinayaa 33 qaybood oo isku tiro ah si degmo-doorasho kasta uu qof uga soo baxo.

Taasi waxay suurtagashaa marka tiro koob la hayo, ama diiwaanglintu dalka oo dhan koobtay ee la ogyahay inta ka diiwaangashan degmo-doorasho kasta. Qorshihii Ingiriiska ugu talogalay ee dhamaan lahaa 1965-waa tii Ingiriisku go’aansaday inuu joojiyo. Waxay gudididii wax ku qaybisay 33 kursi maasanuunin iyo qiyaas 6-da marka hal hal la kala siiyo min shan qof, Hargeysa iyo Burco oo dadku u badan yahay haloogu kordhiyo Hargeysa 2-qof, Burcona hal qof.
Taas oo ah: Hargeysa 7, Burco 6, Boorama 5, Berbera 5, Ceerigaabo 5, Laas-canood 5.

Ka dib waxay gudidii guda gashay sida degmo kasta loogu qaybin lahaa inta degmo-doorasho kastaana waxay cadaan doonta marka la ogaado tirada sanduuqyada laga codaynayo ee degmo-doorasho kasta la siiyey.
Taas oo gudidu go’aansanayso dhinaca uu sanduuqaa tiradiisu raacayso.

Sidaasi ayey ku hirgashay in Somaliland loo qaybiyo 33 degmo-doorasho, oo mid waliba qofka ugu codbadani ka soo bixi doono xisbiga uu doono ha noqdee.

Arrimaha ugu waaweyn ee xisbiyada iyo ururada la weydiiyey waxay ahayd in golaha odayada la daayo inuu sii jiro iyo qaabkiisa sharci, iyo awoodiisa. Xisbiga NUF oo keliya ayaa oggolaaday in golaha odayadu sii jiraan. Dhamaan xisbiyada SNL, SYL iyo ururada SOU iyo SOBA (Somali old boys association) waxay soo jeediyeen in la tirtiro golaha odayada oo aan dib loo soo hadal qaadin iskaba daa in awoodooda sharci laga wada hadlo eh.

Waxaa la gudogalay in gudidu go’aan ka gaadho in haweenku codeeyaan iyo inkale. Xisbiga SNL oo keliya ayaa oggolaaday in haweenka loo oggolaado inay codeeyaan. Dhamaan xisbiyada NUF, SYL Ururka SOU waxay soo jeediyeen in aan dumarka loo oggolaan inay codeeyaan.

Ka dib markii ay go’aano ka gaadheen hawlihii loo baahnaa inay xallilaan, ayey bilaabeen inay qoraal cadaynaya qaabka ay go’aanada u gaadheen iyo hadaladii cid kasta oo ay waraysteen ku qorantahay. Waxayna qoraalka ku lifaaqeen dhamaan qoraaladii ay heleen oo idil.

Warbixintii iyo soo jeedintooda oo ka kooban 107 saxafadood iyo lifaaq ayey u gudbiyeen dawladda ka talinaysay Somaliland, dabayaaqadii bishii May ee sanadkii 1959. Taas oo ah inay gudidu ku soo gabogabeysay muddo laba bilood oo keliya ah.

La soco.

Top


Dad Cusub Oo Loo Qabqabtay
Qaraxyadii Ka Dhacay Istanbuul

Istanbul (W.Wararka)Sida laga soo weriyey xeer-ilaaliye xagga difaaca ah, sagaal qof ayaa lagu xidhxidhay dalka Turkiga iyadoo lagu eedeeyey weerarradii bambaanooyinka ee lagu qaaday magaalada Istanbul Khamiistii ina dhaaftay. Dadkaasi waxaa loo xidhxidhay in ay ama qeyb ka ahaayeen amaba kaalinayeen oo dhiirrigelinayeen urur aan sharci ahayn.

Siddeed iyo toban qof ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay in loo xidhxidhay weerarradii lagu qaaday qunsuliyadda dalka Britain ee Istanbul iyo weliba bangiga saldhigiisu yahay Britain ee HSBC.

Sagaal ka mid ah dadkaasi ayaa maxkamad la saaray goor hore oo shalay kaddib markii ay su'aalo weydiiyeen xeer ilaaliyayaasha qaranka sida ay sheegeen garyaqaannadu.

Eedeymaha lagu hayo kuwani ilaa iyo hadda waa kuwo marka la barbar dhigo kuwo kale iska yar-yar oo waxaa loo haystaa in ay ama ka mid ahaayeen amaba kaalinayeen oo dhiirigelinayeen urur aan sharci ahayn, waxaanay xambaaranayaan kuwani xadhig ah ilaa iyo shan sano.
Dhowr rag ah oo hore loo xidhxidhay iyadoo lagu eedeynayo in ay ku lug-lahaayeen bambaanooyinkii lagu qarxiyey macbadyada Yuhuudda ee Istanbul ayaa lagu qaaday dembi ah in ay isku dayayeen afgembi qaran, taasoo ah weerar aad u xoog badan.

Xadhiggan maxkamadda lagu qaaday kooxdani waxa uu ku soo beegmay maalinta koowaad ee dabbaal-degga Ciidda Muslimiinta.
Inta ay socoto ciidda, ra'iisal wasaaraha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, ayaa isagoo khudbadda ummadda uga jeedinaya telefishanka waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka reer Turkiya in ay garab istaagaan caddaaladda iyo runta marka loo eego argagaxa iyo xaasidnimada.

Xaflado iyo casharro diini ah ayaa ka soconaya dhammaan masaajidada dalka Turkiga shalay kuwaasoo lagu cambaareynayey argagaxisada.

Top


Xabad-Joojin Ka Dhaqan Gashay Xuduudda Hindiya Iyo Pakistan

New Delhi (W. Wararka) – Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Hindiya ayaa soo dhaweysay hindisaha xabad joojinta ah ee ka soo yeedhay dawlada Bakistan, iyadoo sheegtay inay ilaalin doonto xabad joojintaasi oo ku faafsan dhamaan khadka xuduuda ah ee u dhexeeya labada dhinac oo dhexmara karshmiir, kaasoo rasmi ahaan u dhaqan galayey xalay saqbadhkii.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Hindiya saraakiisha xukuma ciidamada labada dal ka degan xuduuda ayaa isku waafaqay inay ixtiraam heshiiska xabad joojinta ah. Dawladda Bakistan ayaa maalintii Axadii hore ugu dhawaaqday inay hirgelinayso xabad joojin dhinac keliya ah oo ka dhaqan gasha xuduuda lagu muransanyahay ee Kashmir, dhawaaqaas oo ay dawladda Hindiyana ay si weyn u soo dhaweysay. Xuduuda labada dal ee Kashmir waxa la qaybiyey 1947kii, iyadoo muddo intaa ka dambeysay ay dagaalo ku dhexmareen labada dal.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Aragtida Qurba-Jooga UCID Ee Mustaafurinta Ajaanibka

Sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay intii ay la soo noqotay gobanimadeedii, ayaa waxa jiray cadow gudaha iyo debedda ah oo mar walba turunturo u dhigayey si ay isu hortaagaan geeddisocodka ummadda iyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinka fogfog ee la hiigsanayo.

Haddaba maalamahan waxa soo baxaya dhawaaqyo lid ku ah qaranimada Somaliland oo la doonayo in mar kale lagu dibindaabyaynayo tallaabo kasta oo xagga toosan loo qaado. Waxa xaqiiqo ah cadowga ummadda reer Somaliland oo mar kasta waji cusub gashada ayaa maantana doonaya inuu ka hortago go’aankii ay dhawaan dawladda Somaliland ku dhawaaqday inay dalka ka baxaan dhammaan ajanabiga sharci darrada ku jooga Somaliland iyo qaxootiga faraha badan ee ku habsaday dalka. 

Go’aankan oo ka dambeeyey dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay Mrs. Annelli iyo Mr. Eington iyo afadiisii. Seddexdan ruux oo hawlo samafal ah ka waday Somaliland ayaa si badheedh ah oo bani’aadnimada ka baxsan loogu toogtay magaalooyinka Borama iyo Sheekh. Arrintan oo ay soo abaabuleen dad wax ma garato ah ayaa ujeedada u weyn ee ka damabaysay ahayd sidii Somaliland loo minjaxaabin lahaa, isla markaana nabadda ay haysato ceel loogu ridi lahaa.

Ka hor waxa si badheedh ah uga hadlay arrinta soo gallaytiga ee xad dhaafka ah ee ku soo qulqulayey Somaliland wasiirkii hore ee Gaanshaandhigga Mr. Jimcaale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliland iyo dhawr jeer oo la hor keenay goloyaasha si ay uga hadlaan dhibaatooyinka ay bulshada reer Somaliland ku hayaan.

Sidoo kalena waxaa ka digey cawaaqib xumada ay leedahay inaan la sugin xuduudaha Somaliland xisbiga UCID oo dhawr jeer meelo fagaare ah ka caddeeyey in loo baahan yahay in la tago xuduudaha dalkeenna lana adkeeyo qaybta socdaalka dalka.

Haddaba tallaabadan xukuumaddu ku dhawaaqday waxay la jaanqaadaysaa siyaasadda UCID ee ku waajahan dadka sharci darrada ku jooga Somaliland iyo siyaasad wax ku ool ah oo daboolaysa dhinaca waaxda socdaalka oo la hirgeliyo, lana tayeysiiyo. Isla markaana kor loo qaado, lana hagaajiyo dhinaca ammaanka iyo tayada ciidanka booliiska iyo gaar ahaan waliba dhinaca caddaaladda oo dib u habayn lagu sameeyo.

Haddaan dib u dheegganno, dhibaatooyinka faraha badan ee ay dadkani ku hayaan Somaliland iyo hoos u dhaca qaranimo ee dhaawaca halista inna gaadhsiiyey, waxaad arki karaysaa in dhibaatadani ka weyn tahay sida ragga kaska gaabani ku sheegayaan ee ah: ” Ceelbaa laga wada cabbi jiray” iyo ”dadka walaalaha nahay ee reer Somaliya maxaa dhibaatada loogu geysanayaa” iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Baroortu orgiga ka weyn, waayo ma muuqato sabab cad oo dadka reer Somaliland shaki iyo jahawareer loo geliyo, loogana dhaadhiciyo in xuquuqdii dadka soo gallaytiga ah meel lagaga dhacay iyadoo lagu fushanaayo dano gaar ah oo ay kooxo wataan si aan marna hore loogu tallaabsan.

Haddaan in yar jalleeco dhibataayinka qaranimo ee maanta tallaabadani sugayso, waxna ka tarayso waxaa ka mid ah sidatan:

Dhammaan wadamada adduunku waxay leeyihiin xuduudo iyo astaamo u gaar ah. Tanina waxay saldhig u tahay jiritaanka jimciyadda qaruumaha ka dhaxaysa iyo sharciyada lagaga dhaqmo adduunka. Ma jiro dal adduunka ku yaal oo iska furan oo sidii guriga lana galo lagana soo baxo markii la doono oo wixii la doonana lagaga dhaqmo. Waa dhab in dhammaan dadka muslimiinta ah ee walaalaha ah ee adduunka ay fiicnaan lahayd inaan xuduudo loo yeelin oo ay is dhex maraan,meeshii uu doonana qofka muslimka ahi ku noolaan karo, laakiin taasi ma jirto imminka, Somalilandna keligeed waxba kama qaban karto. Sidaas darteed Somaliland ma noqonayso ”land of all muslim people” keligeed ee waxay raacaysaa shuruucda iyo qawaaniinta adduunku maanta ku dhaqmaayo, walibana ay horseedka ka yihiin wadamada islaamku. Tusaale u soo qaado dalalka aynnu jaarka nahay sida Sacuudiga ee maalin walba dadka soo dhoofiya sharci darrada ku soo gala iyadoo labadii xaramayn ku yaalliin.                                                             

Haddaba tallaabadani waxay meesha ka saaraysa dal iska furan oo waxaan u gudbaynaa dal leh xuduudo oo raacaya qawaaniinta adduunka. Isla markaana abuuraya sharciyo u gaar ah dadka soo gelaya iyo kuwa baxaya, lana tiro koobayo dadka ajnebiga ah ee jooga Somaliland.  
                                                         
Waxay kaloo xaqiijinaysaa wixii ay Somaliland ay adduunka u sheegaysay 13-kii sano oo ah inay tahay Dal goonni isu taagay oo leh dhammaan astaamihii qaranimo.

Dadka xad dhaafka ah ee ku sugan Somaliland waxay khalkhal geliyeen dhammaan adeegyadii bulshada sida tacliinta, biyaha iyo caafimaadka. Waxa hubaal ah in dalkeennu uu weli u baahan yahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa adeegyada bulshada, haddaba ninkii tiisa daryeelaa mid kale ku dara e, iyadoo aan weli la daboolin baahidii dadka dalka u dhashay ayaa haddana intii yarayd waxaa la qayb saday dadkii ajnebiga ahaa ee dalka ku sugnaa. Tani khatarteeda ayey leedahay waliba markaad ka fekerto dad gaadhayaa 70 000 qof oo ah tirada lagu qiyaasayo inay Somaliland joogaan.  Dadkan oo waliba u badan dad dalka la yimi dawarsi oo keliya iyo ka shaqaysi dadban. Isla markaana lacagaha u xawila meelaha ay ka yimaadeen oo aan dalka haba yaraatee aan wax soo gelin.                                                                     

Haddaba maan la odhan karin tallaabadani waxay suurta gelinaysaa in dad badani fursad u helaan ka faa’iidaysiga adeegyada bulshada oo ay wax weyn ka beddeli karto baahida jirta.

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa xoog ugu batay mukhaadaraadka, Dhillaysiga iyo fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dhaca, dilka iyo tuugada. Sida ay sheegayso warbixin ay soo saartay Taliska ciidanka booliiska ayaa arrintan dusha ka saaraysa dadka ajnebiga ah ee soo galaya Somaliland. Waxaa marag ma doonto ah in kooxaha, gaar ahaan dhinaca kuwa ka yimaadda dhinaca Itoobiya ay arrimahan si xoog leh faraha ugala jireen. Waxaa la samaystay cawaysyo cooshada ah oo khamriga iyo dhillaysiga lagu xalaashaday. Waxaana if baxaday halista cudurka HIV-ga ee ku sii kordhaya Somaliland iyo halista soo gallaytiga ka imanaysa gaar ahaan kuwa waddamada jaarka aynnu nahay.

Mar kale tallaabadani waxay sugaysaa oo ay yaraynaysaa khataraha ka imanaya dadka waxyaalahan gacanta kula jira haddii ay dalkeenna ka baxaan. Isla markaana waxa laga hortagi karaa ammaan darrada la socota dadkan qaxootiga ah.

Dhinaca dhaqaalaha, waxa jira dad badan oo dadkan la saarayo ka mid ah ayaa si sharci darro ah uga xoogsada dalka iyagoo qaarkood ku shaqeeyaan macalinimo dugsiyada gaarka ah, ama sida hay’adaha ajnebiga ah ama muruqmaal ah sida kuuliga dhismayaasha ama farsamoyaqaanno kale. Waxaa xaqiiqo ah in ay waliba ku shaqeeyaan sicir ka jaban ka waddaniga ah. Haddaba dadkani dhaqaale toosan oo ay dawladda soo geliyaan ma jirto. Isla marakaana waxay suuqa ka saareen oo ka buuxiyeen shaqaalahii waddaniga ahaa ee qaban lahaa shaqooyinkan.
Waxayna dad badan ee reer Somaliland ahi ku shaqo la’yihiiin magaalooyinka iyadoo shaqooyinkii ay qaban lahaayeen dadkale laga buuxiyay. Xukuumaduna ma xakamayn karto haddii aan lahayn tiro sugan dadka dalka ku nool. Waxaana qaarkood hay’ahada u sheegtaan inay Somaliland udhasheen.                                                            

Haddaba tallaabadani waxay wax weyn ka taraysaa sidii shaqooyinkaas ay uga shaqayn lahaayeen dad reer Somaliland ah oo ay uga xoogsan lahaayeen. Isla markaana hay’adaha UN-ta baadhis joogto ah loogu samayn lahaa.

Tallaabooyinka la gudboon Dawladda Somaliland marka hawshan la fulinayo.

Dadka deggen kilinka Shanaad ee Itoobiya oo uu xidhiidh ganacsi inaga dhaxeeyo oo wax weyn u tari kara kobcinta dhaqaale ee ganacsatada reer Somaliland ayaa waxay tahay lagama maarmaan in loo sameeyo iyaga sharciyo ay waddanka ku soo geli karaan kuna joogi karaan inta ay wax ka iibsanayaan suuqyada magaalooyinka Somaliland. Dadkani waxay dalka joogaan muddo kooban oo aan ka badnayn bil ama laba bilood si ay wax u iibsadaan.

Shaqaalaha khubarada ah ee cilmiga sare leh iyo kuwa ajanabiga ah ka shaqeeya hay’daha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, iyagana in loo sameeyo sharci waafaqsan hawlaha ay ka hayaan Somaliland. Sharcigan oo xadidan kuna dhammaanayaa marka ay shaqadoodu dhammaato.
.Dadka ganacsiga ku haysta magaalooyinka Somaliland sida dukaamada ama bushaarooyinka ee bixiya cashuurta in iyana la siiyo sharci ay dalka ku joogaan. Waxaana waajib ah in dabagal lagu sameeyo inuu si hufan cashuurta u bixiyo iyo shaqaalaha ka shaqeeya halka ay ka soo jeedaan.
In wacyigelin ballaadhan looga baahiyo wergeysyada, TV-ga iyo idaacadda, ayna ka qayb qaataan dhammaan waaxyaha dawladda, waxgaradka iyo xisbiyada sidii dadka reer Somaliland loo bari lahaa inaanay ku tacadiyin oo ku xad gudbin xuquuqda dadka dalka ka baxaya. Loona illaaliyo xaqooda, laguna xurmeeyo bixidda inta ay ka agab uruursanayaan.

Inay tallaabani ay dhasho xal waara oo lagu sugo xuduudaha Somaliland, lana xoojiyo waaxda socdaalka ee dhammaan ilaha laga soo galo dalka.
In la sameeyo laan gaar ah oo qaabilsan dadka ajnebiga ah ee jooga dalka si goor walba loo tiro koobi karo, loona ogaado mid walba shaqada uu qabto iyo halka uu ku sugan yahay. Qaybtani waxay kaloo mas’uul ka noqonaysaa cusboonaysiinta iyo ka qaadista sharciga qof ka la siiyey haddii uu sharciga dalka ka hor yimaadda.

Wa Billaahi Tawfiiq,
Eng. Nasir Xaaji Cali Shire
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Qaaradda Yurub.

Top


AF-JINACLEY
Sheeko – Waxay Qoray A. A. Garas, Waxana Tifaftiray A. Ducaale - Q: 3aad

Dabadeedna ninkii Faarax ee doonayay in la fasaxo, sugayayna ayaa hadal loogu soo geba-gebeeyay in keligii geella looga tegayo, kadibna ninkii Cawil Dhoobaale ayay talo ku cadaatay, waxaana ka soo hadhay aamusnaan, afkiisana hadal waa ka soo bixi waayay, laakiin Askar intaa kuma joojin hadalka ee dhawr jeer oo dambe ayuu weedho kul-kulul oo canaan ah soo celiyay, waxana hadalladiisii canaanta ahaa ka mid ahaa; “Waan tegayaa baad iska leedahay, Alla maxaa nacas-nimo kugu jirta, ma saaka oo kale ayaa dumar baa halkeer joogay iyo marmarsiinyo lala yimaaddaa.” Hase yeeshee, Cawil Dhoobaale, cannaantaa iyo waxaas oo hadal ahi maankiisa kuma duxin, dhegna uma jalaqsiin hadalka iyo cannaanta Askar, wuxuuna ahaa nin ay meeli isaga kir-kirrantay oo galabta go’aan meel dhigtay, isla markaana Cawil sheekada geella iyo Jiilaalku uma muuqdaan ee wax kalaa dareenkiisa ku fooggan, waxaana maskaxdiisa ka guuxaya tashi la xidhiidha sidii uu u bixi-timi lahaa iyo sidii uu ugu gurman lahaa Shukri iyo hooyadeed. Laakiin Cawil Dhoobaale, waxa xaaladda mashaqada leh ee hortiisa taal ka dul-boodsiinaya mawjad Jacayl ah oo uu maankiisu la baaxaa-degayo, kuwaas oo ay xusuustuna damaqday, waxaana mawjadahaa jacaylka ah qalbigiisa ku beertay timo-dheertii Inaabtidii ee dayrtii hore la siiyay. Sidaa awgeed, dareenka Askar iyo ka Cawil waa kala haab, Cawil-na uma muuqdaan waxa walaalkii Askar u muuqdaa ee nin-ba wax baa ku fooggan, waxayna kala noqonayaan laba nin oo nin walba wax gaar ahi shidayaan. Askar waxa uu ahaa nin abbaari hayso, Cawil-na wuxuu ahaa nin caashaq hayo.

Askar waxa uu ahaa nin weyn oo cimrigiisu kontomeeyo kor u dhaafay, wuxuu gaadhay xiligii ay lexo-jecladu ama garashada ka gumaysan jirtay. Tusaale ahaan, Askar, waxa uu lahaa lix carruur ah iyo hooyadood, laakiin habeenkaa muu ogeyn waxa ay ku ciidan yihiin, waxaadna moodaysay in ay tuldaha geella ahi wax walba kala qiimo weyn yihiin. Askar reerkiisa waxa ugu war dambaysay maalin dhawr toddobaad laga joogo. Xilligaas oo loo sheegay inuu adhigii farahooda ka baxay, dadkiina loo daad-gureeyay xeryo dadka Caydha ah loo oodday.
Caweysin dambe ayay qaadatay intii Askar hadba ku celcelinayay cannaanta Cawil, halka uu Cawil-na aamus iyo tashi hoose naftiisa kula shawrayay. Laakiin ugu dambayn Askar oo suxulka dhigtay oo doonaya inuu jiifsado ayaa Cawil ku yidhi: “Waaryaa waa wiilka, anigu habeen-badhka ayaan kacayaa oo waan guuraynayaa oo ceelkii baan qabanayaa ee geellaa wadeecada iyo waddada cowga (dayaca) ka raw oo marka berito uu foofo soo aroori oo ceelka keen.”

Cawil haye iyo maya midna ma odhane, wuu iska aamusay, taasina Askar wuxuu u maleeyay nin amarkiisa iyo waxa uu u sheegay qaatay, laakiin wax baa isaga meel u yaalay.

Asalkaba Cawil, waxa uu ahaa nin madax adag oo caqligiisu wixii go’aansado aanay ciddina ka looddin karayn, waxa uu doonayana aanay ciddina u dacarrayn karayn, sidaa darteed habeenkaa inuu Shukri ku tibado oo halka ay joogto uu tago mooyaane wax kale caqligiisa uma ay qudh-qudhsanayn. Sidaa awgeed, habeenkaas dhinaca oo uu dhulka yara dhigo mooyee hurdo indhaha iskuma dhibiq-siin.

Goor ay mir dhexe tahay ayuu ninkii Askar oodda weydaartay oo ceelalyadii u baqoolay. Cawil markii uu ogaaday inuu ninkii Askar tegay ayuu nefis dareemay, isaga oo markii hore joogista Askar karaahiyaysanayay, dabadeedna tashigiisii ayuu u laba-laxaadsaday, wuxuuna ugu dambayntii qaatay go’aan Axmaqnimo ku jirto, taas oo uu qalbigiisa iyo maskaxdiisaba ku qanciyay, kuna amray inuu geellaa iska dhaqaaqo, waayo; mararkii hore waxa uu ka fekerayay sidii uu Askar ugaga baxsan lahaa geella, laakiin markii uu Askar dhaqaaqay ee isagii [Cawil] iyo geellii loo kala dhaqaaqay ayuu isna go’aansaday inuu iska dhaqaaqo oo uu geellan waraabaha uga baxsado. Dabadeedna ninkii Cawil markii uu waagu guduutay ayuu intuu sibraar caano yari ugu jireen degta u ritay, geelliina nirgo iyo waaweyn-ba oodda ka rogay oo dhinaca hawdka ama oogada u dareeriyay ayuu isna jihada waqooyi oo ah meeshii ay Shukri ka xigtay afka saaray.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Wiil yari gadaal moog”. Cawil waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u da’ yar, taas awgeed waxa uu qaatay go’aan aanu ka fekerin halka uu ku dambayn doono, iyadoo dhinaca kalena ay adkayd inuu nin Soomaaliyeed inta uu xoolihii waraabaha u sii daayo, gabadh yar doonto.

Cawil dhallinyaro-nimada ka sokow, waxa kale oo lagu odhan jiray ama lagu xaman jiray ummad-xoolaad ma aha iyo waa xoolo hunno, laakiin marna la isma lahayn dayac intaa le’eg ayuu samaynayaa.

Jiiddu waxay ahayd meel waraabuhu habeen iska dhaafoo hadhka galay xoolaha hororo, sidaa darteed shaki kuma jirin in aanay geellaa iyo dhurwaagu casarka dheer isla gaadhayn. Laakiin Cawil malihiisa waxa uu is lahaa maadaama uu geella kalkiisii yahay oo uu oomman yahay, ceelkii ayuu tegayaa, kadibna halkaas ayaa Askar ka heli doonaa.

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Xalay Iyo Ciyaarihii Championship League

C/fataax M. Caydiid

Xalay Iyo Ciyaarihii Championship League:
Arsenal Oo Dambaska Ka Dhigtay Kooxda Inter
Milan Oo Ay Garoonkeeda San Siro Kula Ciyaaraysay

Milan (W. Wararka) – Xiddiga kooxda Arsenal ayaa cashar lama ilaawaan ah u dhigay kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan oo ay gurigeeda San Siro kula ciyaarayeen xalay, taasina waxay dib ugu soo celisay rajadii ay ugu soo gudbi lahayd wareega 16-ka kooxood ee Tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub (Champions League).

Henry ayaa hogaanka dhigay kooxda Arsenal badhtamihii qaybtii hore ciyaarta, ka hor intii aanay Inter ku barbarayn darbad laad xoog ah oo uu Christian Vieri ku laaday goolka, taas oo sii taabatay difaaca kooxda Arsenal.

Kooxda Gunners ayaa mar kale ciyaarta ku hormartay gool uu u saxeexay Freddie Ljungberg, ka hor intii aanu Henry goolkii saddexaad u dhalin, halka uu ciyaaryahanka Edu kubad fudud ku dhaliyay goolkii Afraad ee kooxdiisa laba daqiiqadood ka hor dhammaadkii ciyaarta, balse waxa weli hadhsan wakhti uu Roberto Pires ku dhaliyo laad dheer goolkii shannaad ee kooxda Arsenal.

Markii ay kooxda Arsenal marti-gelisay kooxda Talyaaniga ah ee Inter ciyaartii is-araga hore ee labadan kooxood ee isku guruubka ah, ciyaarta si rasmi ah ugu dhammaatay qaybtii hore ciyaarta. Laakiin Gunners-ku ayaa ugu dambayntii awooday in ay muuqaalkoogii ciyaareed ee Premiership-ka in ay la tagaan hirdanka tartanka Yurub oo ay ka soo kabtaan khasaarihii 3-0 lagaga badiyay garoonkooga Highbury.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay ciyaartoyda labada kooxoodba ka muuqatay taxadir aad u weyn, taas oo keentay in ay labada kooxoodba ciyaarta si degan u ciyaaraan, iyadoo ay ciyaartoydu labadaas kooxood weerarada ay qaadayaan ahaayeen qaar qiyaasan oo foojignaan badani ku jirto difaaca iyo weerarba hadba kay noqoto. Laakiin waxay taasi meesha ka baxday, kadib daqiiqadii 25aad markii ay ciyaartoyda Gunners-ku jebiyeen difaacii Inter ee xoogga badnaa, iyadoo ay gool ku hor mareen, kaas oo uu u saxeexay xiddiga gool-dhallinta u sita kooxda Arsenal ee Faransiiska ah, Thierry Henry, kadib markii uu baas qurux badan ka helay difaacyahanka da’da yar, isla markaana aadka u firfircoon ee Ashley Cole, isagoo khadka rigooraha gudihiisa kaga laaday kubad, koone hoosena goolka ka dhigay.

Ciyaartii ay mar keliya jewigeedii isbedelay kadib, goolkaas, waxaanay ciyaartoyda kooxda Nerazzuri ay weerarka soo wada galeen, taas oo ciyaarta kululaysay, iyagoo isku dayayna in ay goolka lagaga hormaray barbareeyaan. Taas ayaa u suurta gashay 7-daqiiqadood kadib oo ahayd daqiiqadii 32aad, waxaanay taasi ka dhalatay, kadib markii xiddiga gooldhalinta ee kooxda Inter, Christian Vieri uu kubad laad xoog ah kaga laaday goolka meel khadka goolka dibadda ka ah, taas oo ku sii dhacday adinka difaacyahanka Kolo Toure, kadib jihadii ay kubaddu u jeeday ka leexatay oo khiyaamaysay goolhayaha Arsenal Jens Lehmann, goolkana sidaa ku gashay, waxaanay ciyaartii noqotay barbardhac 1-1 ayna ciyaartu sidii hore aad uga kululaatay, xamaasadeeduna marba marka ka dambaysa sii kululaanaysay.

Kooxda Milan ayaa hogaanka qabsan karaysay, balse kubad laad xor ah oo uu goolka ku laaday Marco Materazzi ayuu goolhaye Lehmann si wanaagsan uga badbaadiyay oo uga qabtay, laakiin Arsenal ayaa qaybtaa hore ku raaxaysatay, waxaanay ku dhammaatay qaybtii hore barbar-dhac 1-1 ah.
Qaybtii labaad ayaa xataa uga sii wanaagsanaatay kooxda Arsenal, kadib markii Ljungberg mar kale hogaanka ciyaarta ku soo celiyay muddo afar daqiiqadood gudahood ah. Henry ayaa kubadda soo bixiyay, kadib markii kubad uu dhinaca bidix ka soo karoosay uu helay ciyaartoyga reer Sweden oo aan cidin ilaalinayan, kadibna uu meel dhow kaga taabtay kubadda goolka.

Henry ayaa awoodi karayay inuu gool saddexaad u dhaliyo, balse iyadoo ay ahayd oo keliya inuu kubadda la dhaafo Francesco Toldo goolhayaha Inter, ayuu isku dayay haddana inuu kubadda la jeesto oo saaxiibkii u celiyo, halkii uu kubadda ku tijaabin lahaa goolka.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqado yar la geliyay qirinqiir, kadib markii ay ciyaartoyda kooxda Inter ugu dambeyntii heleen waxoogeey dedaal ah. Markanse waxa badbaadinta iska lahaa goolhaye Lehmann, kadib markii uu qabtay kubad uu madaxa ku soo dhuftay Fabio Cannavaro, halka Andy van der Meyde laad xor ah oo uu ku laaday goolka dusha ka mariyay birta goolka.

Laakiin iyadoo ay dhinaca weerarka ka jilicsanayeen kooxda Inter, ayaa haddana waxa uu ducuf kale ka muuqday khadka dambe ee difaaca, taas oo u suurta gelisay ciyaartoyda Arsenal in ay jiidhaan.

Kooxda Arsenal oo u ekayd in ay ciyaartan caawa [xalay] tahay mid ay ku gacan sareeyaan, ayaa mar kale Henry kubad la soo baxsaday, waxaanu dhaafay Javier Zanetti ka hor intii aanu laad ku dhaafin kubadda goolhaye Toldo, taas oo koone ka gashay goolka.

Kadib ciyaartoyda kooxda Inter ayaa lagu soo jujuubay in ay weerar soo galaan, taasna waxa ka faa’iidaystay Edu iyo Pires, oo ay laba gool wakhtigii dhammaadka dhaliyaan.

Guusha ayaa ah tii ugu horeysay muddo sannad ah ay kooxda Arsenal garoon aan garoonkeeda ahayn ku badiso tartamada ciyaaraha Yurub, waxaanay tani dhigtay in ay ka sareysa kooxda Inter ee isku guruubka yihiin, waxaanay u baahan tahay in ay ugu gudubto wareega 16-ka kooxood keliya in ay badiso ciyaarta ay gurigeeda Highbury kula ciyaarayso kooxda Lokomotiv Moscow.

Dhinaca kale ciyaartii labada kooxood ee isla guruubkan Group B ee Lokomotiv Moscow iyo Dynamo Kiev ayaa ku dhammaatay guul ay faa’iido ku heshay kooxda Lokomotiv Moscow oo ay 3-2 kaga adkaatay kooxda Dynamo Kiev xalay.

Top