Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 492 Dec.27, 2003

“Waxaanu Ku Talinaynaa Inay Ciidamada Dhinaca Garoowe
Ka Yimi Naga Baxaan, Kuwa Somaliland-na..”
“Ma Jiraan Ciidamo Aniga Si Gaar Ah Ii Ilaalinayaa, Laakiin…”
Waraysi Khaas Ah – Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

“Intayada Reer Sool Ee Kuraasta Ku Fadhidaa Waa Inaanu Difaacano Ama
Banayno,” Mudane C/Qaadir Indho

“Anigu Ma Af Aqaan Daahir Rayaale, Hadiise Halkaa Dagaal Ka Dhaco Waxaan U Arkaa…” C/Laahi Yuusuf

Ceerigaabo Iyo Doodda Xakameynta Hubka Fudud

Ururka (SSJW) Oo Canbaareeyay Xakameynta Saxaafadda Xorta Ah

“Markii Aan Ka Soo Laabtay Ayuu C/Qaadir Koosaar Ii Daba-Maray
Mustaxiil” Mujaahid Xuseen Sh. Maxamed Haaruun

Madaarka Hargeysa: Isma Laha Bilicdiisa Iyo Macaamilkiisu

SOMALILAND: DAL ISKU TASHANAYA, WAXNA TEBAYA! Shariif Macalin Maxamed

Dhul Gariirka Baaxada Leh Ee Ku Habsaday Iiraan Iyo Khasaaraha Culus Ee Uu Geystay

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Madaxweynaha Halala Shaqeeyo

Adduunyoy Xaalkaa Ba’, Ma Maantuu Sadaam Ii Ekaaday?

AF JINACLEY
Sheeko – Waxa Qoray; A. A. Garas, waxana Tifaftiray; A. Ducaale
Q: 19aad

WAADIGA CIYAARAHA: Koob Loogu Talo-Galay Tartanka Ciyaaraha Gobollada 2004 Oo Wasaarada Dhallinyarada & Ciyaaraha La Gudoonsiiyay


“Waxaanu Ku Talinaynaa Inay Ciidamada Dhinaca Garoowe
Ka Yimi Naga Baxaan, Kuwa Somaliland-na..”
“Ma Jiraan Ciidamo Aniga Si Gaar Ah Ii Ilaalinayaa, Laakiin…”
Waraysi Khaas Ah – Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

Laas-caanood (Haatuf) – Garaad C/qani garaad Jaamac oo ka mid ah
garaadada ugu miisaanka weyn ee beesha Sool ayaa shaaca ka qaaday inuu
ka soo horjeedo dagaal ay ciidamo ku hirdamaan oo ka dhaca gobolka
Sool, isaga oo walaac ka muujiyey ciidamada maamul-goboleedka C/laahi
Yuusuf ee hadda ku sugan Laas-caanood iyo ciidamo kale oo Somaliland
ah oo iyaguna hadda kulaalaya gobolka Sool.

Garaad C/qani waxa uu arimahaa kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu
weriye Haatuf ka tirsan (Liibaan Maaweel Shire) oo Burco ku sugani
xalay cawaysinkii khadka telefoonka kula yeeshay garaadka isaga oo
jooga Laascaanood. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Garaad bal ka warran xaaladda nabadgelyo ee magaalada?

J: Wax dhibaato ah oo hadda jiraa ma jirto, laakiin ciidamo dhinaca
Garoowe ka yimi oo guryaha dawladda dadka ka saaraya ayaa magaalada
qasaya.

S: Garaad ciidamada dhinaca Garoowe ka yimi dadkii ay dhowaan
magaalada Laascaanood ka qabqabteen halkee bay ku dambeeyeen?

J: Dadkii ay xidh-xidheen way sii daayeen, waxayna ku soo celiyeen
Laascaanood.

S: Garaad waxa jira warar sheegaya inay ciidamada dhinaca Garoowe ka
yimi doonayaan inay qabqabtaan isimo iyo dad kale oo reer Sool ah,
taasi ma jirtaa?

J: Nimanku magaalada way yimaadeen, laakiin weli maan maqal cid ay
yidhaahdeen waanu doonaynaa.

S: Garaad miyey jiraan ciidamo reer Sool oo ka soo horjeestay
ciidamada dhinaca Garoowe ka yimi oo doonaya inay magaalada ka
saaraan?

J: Ma jiraan wax ciidamo reer Sool ah oo is-abaabulay, laakiin
dadweynaha ayaa leh hanaga baxeen ciidamada Garoowe ka yimi.

S: Garaad waxay wararku sheegayaa in ciidamo badan oo hubaysani ay
ilaalinayaan adiga iyo xaafadda aad degan tahay, taasi ma jirtaa?

J: Ma jiro ciidan aniga si gaar ah ii ilaalinayaa oo tiro badani,
laakiin waxoogaa inamo ah oo gurigayga joogaa way jiraan.

S: Garaad miyey jiraan ilaa hadda wax ciidamo ah oo dhinaca Somaliland
idinka soo gaadhay?

J: Maya ma jiraan wax ciidamo ah oo Somaliland nooga yimi oo magaalada
soo gaadhay.

S: Garaad waxa la sheegayaa ciidamo badan oo Somaliland ka socda oo
hadda ku sugan tuulada Oog, kuwaas oo u soo jeeda dhinaca Laascaanood,
Laascaanood-na waxa hadda jooga ciidamo dhinaca Garoowe ka yimi,
markaa taasi miyaanay keenayn isku dhac iyo dagaal ka bilaabma
Laascaanood?

J: Weli maan arag wax isku dhac, laakiin magaaladayada dhibaato lama
rabno.

S: Garaad ciidamada dhinaca Garoowe ka yimi duqayda iyo isimada ilaa
hadda wax xidhiidh ah ma la sameeyeen?

J: Maya weli ma jirto cid xidhiidh la samaysay ciidamada dhinaca
Garoowe ka yimi.

S: Ciidamada ay dawladda Somaliland Oog keentay iyo ciidamada C/laahi
Yuusuf ee Laascaanood ku sugan maxaad ka odhanaysaa?

J: Anagu waxaanu ku talinaynaa in ciidamada dhinaca Garoowe ka yimina
ay naga baxaan, kuwa dhinaca Somaliland-na aanay noo iman.

S: Garaad ma jirtaa cid dhinaca Somaliland xidhiidh kaala soo
samaysay?

J: Maya ma jirto haba yaraatee wax xidhiidh ah oo dhinaca Somaliland
laygala soo sameeyey.

S: Garaad miyey jiraan wax odayaal ah oo is arkeen ninka taliyaha ah
ee wata ciidanka dhinaca Garoowe ka yimi oo ku yidhi ciidankaaga
nagala bax?

J: Maya ma jiraan odayaal ay is arkeen oo ku yidhi ciidankaaga nagala
bax.

S: Garaad wararka qaar baa sheegaya ciidamada dhinaca Garoowe ka yimi
inaanay ilaa hadda u gudbin dhinaca xaafadaha koonfurta magaalada,
taas oo la leeyahay xaafadahaa waxa jooga ciidamo badan oo ka soo
jeeda beeshaada, kana soo horjeeda ciidamada dhinaca Garoowe ka yimi,
taasi ma jirtaa?

J: Horta xafiisyada dawladdu waxay u badan yihiin dhinaca kale ee
magaalada, halkaas ayeyna ciidamadaasi joogaan, dhinaca koonfureed ee
magaaladana ciddina kama horjoogto.

S: Garaad miyey jiraan niman wasiiro ah oo dhinaca Garoowe ka yimi oo
Laascaanood?

J: Ma hubo, laakiin waan maq-maqlayey kuwo wasiiro ah oo dhinaca
Garoowe ka yimi.

S: Garaad miyuu magaalada Laascaanood yimi kuxigeenkii C/laahi Yuusuf,
Maxamed Cabdi Xaashi?

J: Maya ma imanin weli.

S: Garaad ugu dambayn dadweynaha reer Sool maxaad u soo jeedinaysaa?

J: Dadweynaha reer Sool waxaan u soo jeedinayaa inaanay labada ciidan
kuwa Garoowe ka yimi iyo kuwa Somaliland midna u baahnayn oo aanu
nabadgelyada ku fillanahay.

Top


“Intayada Reer Sool Ee Kuraasta Ku Fadhidaa Waa Inaanu Difaacano Ama
Banayno,” Mudane C/Qaadir Indho

Hargeysa (Haatuf) – C/qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan
mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland ayaa ka
hadlay xaaladda gobolka Sool ee waqtigan xaadirka ah, wuxuuna sidaa ku
sheegay waraysi ay shabakadda la yidhaahdo Somaliland Net la yeelatay
doraad.

“C/laahi Yuusuf intii aanay ciidamadiisu soo gelin Laascaanood waxa uu
soo diray rag hubaysan oo ay isku jilib yihiin kuxigeenkiisa Maxamed
Cabdi Xaashi, waxayna ciidamaasi dileen rag ay garaad C/qani isku
jilib yihiin oo si weyn u taageersan Somaliland, markaas ayuu hadana
soo diray ciidamo kale oo yidhi wax baanu dhexdhexaadinaynaa, laakiin
markii lagu gartay khiyaamadii ahayd inuu ka dambeeyey dilka nimankaa
ayuu hadana marmarsiinyo ka dhigtay Laascaanood baan maamul ka
samaynayaa”ayuu yidhi C/qaadir Indho, isaga oo intaa ku daray “inta uu
C/laahi Yuusuf leeyahay Sool iyo Sanaag bari baan maamulkayga
gaadhsiinayaa muxuu maamulkiisa u gaadhsiin waayey xaafadda Badhaxley
oo ah xaafad Gaalkacayo ka mid ah oo uu Hawiyuhu dego, waxaanse ogahay
inaad doonayso inaad Somaliland dhexdeeda dagaal ka rido si
baarlamaanku mudada kuugu kordhiyo”.

“Dadka reer Sool 70% waxay raacsan yihiin Somaliland”ayuu yidhi mudane
C/qaadir Indho, laakiin waxa la waydiiyey “hadii ay Somaliland raacsan
yihiin maxay ciidanka ninka la yidhaahdo Ina Afguduud isaga difaaci
waayeen”, wuxuuna ku jawaabay “dadku waa dad shicib ah oo aan haysan
hubka ay nimankaasi haystaan, laakiin way dhagaxtuureen, kuna
mudaharaadeen, balse goor ayey heli doonaan hiilka dawladda
Somaliland”.

“Waan u mahad naqayaa shicibka reer Somaliland ee walaalahooda
dhibaataysan kaalmada u fidiyey, laakiin BBC-da, laanteeda afka
Soomaaliga ayaan dhaliilayaa oo aan idaacad dhexdhexaad ah ee si toos
ah u taageeraysa C/laahi Yuusuf”ayuu mar kale yidhi mudane C/qaadir
Indho, laakiin waxa uu hadana yidhi “intayada kuraasta Somaliland ku
fadhidaa waa inaanu fadhiga ka kacno oo kuraastayada difaacano, hadii
kale kuraasta bannayno, xukuumadda Somaliland-na dhaliil maanta ah ka
hadli maayo”.

Top


“Anigu Ma Af Aqaan Daahir Rayaale, Hadiise Halkaa Dagaal Ka Dhaco
Waxaan U Arkaa…” C/Laahi Yuusuf

Garoowe (Haatuf) – Ninka madaxweynaha ka ah maamul-goboleedka la magac
baxay Puntland ee magaalada Garoowe, C/laahi Yuusuf ayaa wax laga
xishoodo ku tilmaamay wax uu ugu yeedhay hanjabaad ka soo yeedhay
madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, wuxuuna C/laahi
Yuusuf yidhi “hanjabaadi hadal nin weyn ma aha, balse Daahir Rayaale
waan ka war-sugayaa”.

Hadalkan oo ay C/laahi Yuusuf ka soo xigatay shabakad la yidhaahdo
Dayniile oo Muqdisho ka jirta waxa kale oo uu C/laahi Yuusuf yidhi
“Daahir Rayaale marka uu ii digayo ma Boorame ayaan ugu tegay, maxaa
Laascaanood ka galay”.

Hase yeeshee C/laahi Yuusuf waxa uu intaa ku daray “waxaanu xidhiidh
wanaagsan lahayn marxuumkii, laakiin anigu ma af aqaan wiilka halkaa
ka soo hadlaya, waxayse iigu muuqataa dhibaato badan oo khatar leh
hadii halkaa dagaal ka dhaco”.

Shabakaddan la yidhaahdo Dayniile waxoogaa tacaaliiq ah oo ay intaa
raacisay waxay ku tidhi hadalka C/laahi Yuusuf waxa uu u muuqdaa inuu
haysto isku hallayn dhinaca gaashaandhigga ah, laakiin dhinaca
Somaliland-na waxa la aaminsan yahay inuu yahay maamul soo jireen ah
oo leh gaashaandhig ciidan oo xooggan, weliba wararka qaar madax
banaan ayaa sheegaya inuu Daahir Rayaale Kaahin cilaaqaad hoose la
leeyahay beelaha Warsangeli iyo Dhul-bahante oo uu ku rajo weyn yahay
inay dhinaca Somaliland ku biiraan.

Top


Ceerigaabo Iyo Doodda Xakameynta Hubka Fudud

Ceerigaabo (Haatuf) – Kulan lagaga doodayo xakamaynta halista hubka
fudud ayaa shalay ka furmay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka
Sanaag.

Kulankaas oo socon doona muddo ilaa saddex maalmood ah waxa
qaban-qaabisay hayadda wadaniga ah ee la yidhaahdo NECCOF, waxaana
gacan ka geysatay hayadda UNDP, waxaana kulankaas lagu qabtay
dhismahad dugsiga H/dhexe ee DAALLO.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid
Xasan Cabsiiye waxa kulankaa reer Ceerigaabo uga qayb galay dad
gaadhaya ilaa 30 qof oo isugu jira madax-dhaqameedyo, hawl-wadeenno ka
socda ururada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin ka tirsan hayadaha
sharciga ee dawladda.

Kulankaa waxa ugu horayn ka hadlay badhasaab-xigeenka gobolka sanaag,
C/casiis Xasan Siciid, wuxuuna tilmaamo ka bixiyey muhimadda uu
kulankani leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in la xakameeyo halista
hubka.

Sida ay ku war-bixiyeen hawl-wadeenada ururka NECCOF qaban-qaabada iyo
qabsoomidda shirkani waxa uu ka dambeeyey xogo laga helay sahan ay
hore ugu samaysay qaar ka mid ah gobolada Somaliland hayadd
akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, sahankaasna waxa
laga helay natiijada uu kulankani ka duulayo, taasna waxa ka
sheekeeyey ninka la yidhaahdo Jacfar Maxamed oo ka socday
Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland.

Ka qayb galayaasha kulankan ee reer Ceerigaabo ayaa dooddii halkaa ka
dhacday ku tilmaamay arin muhim ah oo gobolka looga baahnaa, waxaana
doodihii kulankaa la isku dhaafsaday ee ku saabsanaa halista hubka
fudud ku jiray arimo hoosta laga xariiqay oo la sheegay inuu gobolka
sanaag kaga duwan yahay gobolada kale ee Somaliland, waxaana arimahaa
ka mid ah muranka ay qaybo gobolka ka mid ah isku hayaan maamulada
Somaliland iyo maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf.

Sidoo kale markii laga doodayey sida wax looga qaban karo dhibaatada
hubka fudud waxay ka soo qayb galayaashu ku doodeen in si taa wax
looga qabto loo baahan yahay in gobolka maamulka la wada gaadhsiiyo
iyo bay yidhaahdeen in lala tacaalo shaqo la’aanta iyo waxyaalo kale
oo ay sheegeen inay daruuri u tahay wax ka qabashada ama xakamaynta
halista hubka fudud.

Top


Ururka (SSJW) Oo Canbaareeyay Xakameynta Saxaafadda Xorta Ah

Hargeysa (Haatuf) – Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha Somaliland
(SSJW) ayaa cambaareeyey xeerka lagu xakamaynayo saxaafadda xorta ah
ee hadda horyaal golaha wakiilada, waxayna xeerka wakiilada horyaal ku
tilmaameen mid meel kaga dhacaya xuquuqda madax banaanida
xoriyatul-qawlka iyo xaqa uu distoorku siiyey xoriyadda saxaafadda,
wuxuuna ururka SSJW sidaa ku sheegay qoraal saxaafadda loogu talo
galay oo uu shalay soo saaray. Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Golaha wakiilada waxa horyaal xeer lagu xakamaynayo saxaafadda xorta
ah, taas oo uu golaha wakiiladuna ku dedaalayo inuu meel-mariyo.
Xeerkan oo ay xili hore xukuumaddu soo gud-bisay waxa uu wakiilada
horyaalay dhawr kalfadhi, laakiin hadda waxa isa soo taray cadaadis
dhinaca xukuumadda iyo wakiilada dhexdooda ah oo lagu doonayo in
degdeg loo ansixiyo xeerka lagu xakamaynayo saxaafadda.

Hadaba hadii aanu nahay ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha ee SSJW
waxaanu cambaaraynaynaa xeerka wakiilada horyaal ee lagu xakamaynayo
saxaafadda xorta ah, isla markaana waxaanu xusuusinaynaa qolyaha
xeerka noo samaynaya inaanu leenahay xeer nidaamiye anshaxa saxaafadda
ah, kaas oo aasaas u ah nidaamka qoraalka iyo adeegga suxufiga
saxaafadda xorta.

Mudooyinkii uu xeerkani golaha wakiilada horyaalay marar badan ayaanu
ka soo jeedinaynay cabashooyin aanu ku dal-banayno in meesha laga
saaro xeerka lagu xakamaynayo saxaafadda xorta ah. Laakiin taasi dheg
looma jalaqsiin, wax talo ah oo nalaga waydiiyeyna ma jirto hadii aanu
nahay guud bahda saxaafadda madaxa banaan.

Hadaba waxaanu mar labaad ka dal-banaynaa golaha wakiilada inay meesha
ka saaraan xeerka xakamaynta saxaafadda xorta ah, laakiin hadii ay
sidaa ku meel-mariyaan waxa meesha imanaysa xaqiiq ah in lagu
xad-gudbay xuquuqdii xoriyatul-qawlka iyo xuquuqda madax banaanida
Saxaafadda xorta ah, iyadoo uu dastuurka dalka u yaal damaano qaadayo
xoriyatul-qawlka iyo xuquuqda madax banaanida saxaafadda xorta ah.

Sidaa darteed waxaanu marka hore golaha wakiilada xusuusinaynaa inay
ka fiirsadaan oo aanay ku dhicin meelmarinta xeer madax banaanida
saxaafadda xakamaynaya, isla markaana ay iswaydiiyaan waxtar iyo
waxyeello midka uu wadanka u yeellan karo. Sidoo kale xukuumadda
waxaanu iyana xusuusinaynaa inayna ilaawin in saxaafadda xorta ah ee
Somaliland ka jirtaa ay tahay sumcadda ugu weyn ee ay dunida ka iibin
karto ama la hortegayso. Hase yeeshee hadii laga hadhi-waayo xeerkan
saxaafadda xorta ah lagu xakamaynayo, waxa uu taa macneheedu noqonayaa
in albaabada loo xidho xarumaha wax soo saarka saxaafadda xorta ee
dalka ka jira”.

Top


“Markii Aan Ka Soo Laabtay Ayuu C/Qaadir Koosaar Ii Daba-Maray
Mustaxiil” Mujaahid Xuseen Sh. Maxamed Haaruun

Waxaan ka mid ahaa guddiyadii qaban-qaabada ee shirweynihii 5aad ee
ururka SNM sannadkii 1987-kii, shirkaas oo lagu qabtay markii la
qayb-qaybiyey raggii soo ururinayey ergooyinkii shirka ka qayb gelayey
anigu waxaan ahaa ergeygii loo diray aagga Mustaxiil, iyadoo aan
markaa ahaa sarkaalka siyaasadda ee aagga waqooyi oo ka koobnaa saddex
qaybood.

Markii ay guddiga qaban-qaabada shirweynuhu dhamaayeen wixii qoraallo
iyo qorshe ahaa ee shirka loogu talo galay waxa guddigii qabanqaabada
loo qaybiyey saddex ergo oo u kala baxay saddexdii aag ee ururka SNM
oo kala ahaa: Aagga Doolow oo loo diray Mujaahid Ismaaciil Boos, aagga
Mustaxiil oo aniga lay diray iyo aagga waqooyi oo loo diray intii kale
ee guddiga qaban-qaabada, aniga iyo Boos mooyaane, iyadoo ay guddigu
ka koobnaayeen 13 xubnood.

Maalintaa aan Dirir-dhabe ka duulay ee aan Qabri-dahare ka degay waxay
ahayd maalintii uu socday dagaalkii Balli-dhiig ee Febarweri 1987-kii.
Waxa kale oo isla maalintaa banka Qorraxey oo dhinaca bari wax yar uga
jirta Qabri-dahare lagu qaybsanayey ilaa 1300 oo geel ah oo laga
dhacay aagga Hawdka. Hawl-galka geelaa lagu qaadayna waxa uu qayb ka
ahaa dagaalkii aanu u niqiin dagaaladii dhabarka ee uu Siyaad Barre
nagu wadday.

Hawsha uu ergayga aagga loo diray soo qabanayey waxay ahayd inuu
jiidahaa gaadhsiiyo qorshaha ergeyda shirweynaha ka soo qayb gelaysa,
waxaana waajibaadkayaga ka mid ahaa inaanu soo xulno ergooyinka shirka
ka qayb gelaya, iyadoo 50-kii dagaalyahanba uu shirka uga soo qayb
gelayey hal ergey.

Markii aan tegayey aagga Mustaxiil waxaan Dirir-dhabe ka raacay
diyaarad rakaab ah oo aan kaga degay Qabridahare, iyadoo uu qorshuhu
ahaa inaan Qabri-dahare ilaa Mustaxiil baabuur u raaco. Laakiin
baabuur la’aan ayaa igu dhacday, sidaa darteed laba habeen ayaan u
hoyday Qabri-dahare, halkaas oo aanu saldhig iyo wakiil SNM midna
joogin. Waxaanse iga war helay inaan Qabri-dahare joogo talisyadii
aagga Mustaxiil, ka dibna Qabri-dahare iigu yimi oo aanu halkaa iska
raacnay, waxaanuna wada hadalnaynay maalin iyo habeen.waxayna sheegeen
inaanay tabashooyin awgeed ka qayb gelayn shirka, taasna waxay igu
siiyeen qoraal. Warbixintii aagga oo tifaftirana waxan siiyey
shirweynihii. Aniga oo shirweynihii talo ku siiyey inaan aagga
Mustaxiil sidaa lagaga hadhin ee loo baneeyo saamiyadoodii, taladaasna
waa la qaatay oo shirweynihii wuu ansixiyey. Dabadeedna markii
shirweynihii la xidhay ka dib ayaan ogaaday in mujaahid C/raxmaan
Koosaar loo magacaabay ergay aagga Mustaxiil u baxaya, sidaa darteedna
waxa uu ii daba-maray aaggii Mustaxiil ee aan ka imi.

Mujaahid C/raxmaan Koosaar oo aanu ahayn saaxiibo aad isugu dhow
waxaan siiyey wixii xogo iyo talooyin ahaa ee aan aagga ka hayey.
Aniga oo u sheegay inuu feejignaado.

Xuseen Sh. Maxamed Haaruun, Hargeysa

La soco cadadyada dambe Asraar la xidhiidha dilkii mujaahid C/raxmaan
Koosaar

Top


Madaarka Hargeysa: Isma Laha Bilicdiisa Iyo Macaamilkiisu

Qofka ay tahay markii u horeeyey ee uu madaarka Hargeysa isha ku
dhufto Waxa marka hore soo jiidanaya quruxdiisa ku saabsan heemaalka
guud ee dhismihiisa iyo jawiga nabadgelyo ee uu ku sugan yahay,
laakiin marka aad gudihiisa gasho hab-dhaqankiisa maamul ama
macaamilkiisu kuma cajeb gelinayo, waxaadna kala kulmaysaa jactad iyo
mucaamil-xumo badan.

Waxaad la kulmaysaa ixtiraam darro, gebogebayn, ixtiraam daro iyo
farsamooyin maamul oo aan ku raali gelinayn.

Dhowaan ayaan tegay madaarka Hargeysa, waxaan waddey islaan hooyaday
ah oo da’ ah, taas oo caafimaad ahaan ugu socotay dalka Imaaraadka
Carabta, waxayna raacaysay diyaaradda DAALLO AIRLINE. Islaantu aad bay
u daallanayd, ka dibna waxaan inta badan ka qaaday alaabo badan oo ay
sidatay, waxaana I wehelisay islaantii, laakiin markii u horaysay ee
aanu nimi albaabka laga galo gudaha madaarka waxa markiiba si aad u
qalafsan iila hadlay nin askari ah oo albaabka taagnaa oo sitay dirays
cusub. Didmo weyn ayaan ka qaaday, balse caga-juglayn iyo riix-riix
badan ka dib waxaan galay gudihii madaarka, ugu horayn laba gabdhood
ayaanu u dhiibnay alaabtii si ay u baadhaan, way baadheen wax dhibaato
ahna nooma ay geysan, alaabtiina waxay ku dhufteeb calaamad.

Marka aad gaadho daaqadaha miisaanka iyo hubinta shirkadaha diyaaraha,
halkaa waxa ka muuqday cidhiidhi iyo jactad badan.

Masalan dadka dhoofaya ma arkaysid cid tilmaamaysa oo u sheegaysa
halka uu mari doono iyo qaabka uu u ambabaxayo, waxaana meesha taal
inay dadka dhoofaya ku jiraan kuwo badan oo aan weligood dhoofin ama
garoon diyaaradeed-ba arag.

Waxaad arkaysaa quraarado ama daasado sharaab laga cabey iyo qashin
kale oo tuullan miisaska iyo banaanada qolalka ay ku hakadaan dadka
dhoofaya ama soo degaya, mana arkaysid hal nadiifiye oo qashinkaa
basrinaya.

Arimuhu sida ay doonaan ha u dhaceene markii ay hubintu noo dhamaadeen
waxaanu u gudubnay, laakiin ciidankii madaarka ku sugnaa ayaa xataa ii
diiday inaan la sii joogo inta ay diyaaradda fuulayso, ka dibna
debedda ayaan u baxay, balse waxaan mar dambe xusuustay furayaashii
boorsooyinka islaanta oo jebkayga ku jiray oo aan isku ilaaway,
dabadeedna waxaan damcay inaan u dhiibo, laakiin waxa la ii diiday
inaan u dhiibo iyadoo ninka ii diidayey xataa aan ka beryey inuu isagu
u dhiibo, balse wuu iga diiday. Markii ay arintu halkaa maraysay ayaan
u tegay nin la iigu sheegay inuu yahay ninka qaabilsan ammaanka
garoonka, kaas oo aan waydiistay inuu islaanta furayaasha u dhiibo ama
ii sii daayo aan u geeyee, balse waxa uu u yeedhay askari, wuxuuna
amar ku bixiyey lay xidho, halkaas oo saacad ka dib layga maslaxay
askartii, layna soo daayey.

Waxaan nin garoonka Hargeysa ay aragtidiisu ku cusub tahay, sidaa
darteed aad baan ula yaabay cago-juglayntii iyo naxariis darradii aan
kala kulmay.

Askarta iyo hawl-wadeenada madaarku waxaad moodaysay inay dadka
madaarka ka dhoofaya dhamaantood u haysteen dad Hargeysa ka dhoofaya
ama degan, taas oo macneheedu yahay inaanay ogayn inay dad badan oo
qariib ah oo meelo kale ka yimi ka mid yihiin dadka madaarka ka
dhoofaya. Waxa kale oo ay ilowsanaayeen inaanay dadka madaarka ka
dhoofayaa dhamaantood aqoon u lahayn sida loo dhoofo iyo dariiqyada
dhoofka ee ay jiraan dad badan oo aan weligood madaarna arag,
dhoofinna.

Ugu dambayn waxaan odhan lahaa askarta iyo hawl-wadeenada ama madaxda
madaarka wax ka bedela debeecadaha maamul ee madaarka ka jira iyo
macaamilka dadka madaarka ka dhoofaya ama ka soo degaya, aniga oo leh
qofka madaarka ka dhoofayaa naxariis ha dareemo oo yaanay arintu
kelifin inuu qofka maalin ka dhoofa ama ka soo degaa dib dambe ugu soo
jahan-waayo oo uu firxad iyo sas ka qaado. Sidoo shirkadaha
diyaaradaha waxaan kula talin lahaa inay sameeyaa xafiisyo ay
macaamiishooda dhoofaysa ku soo dhoweeyaan marka ay soo degayaan, kuna
sagootiyaan marka ay dhoofayaan, sidoo kale waa inay adeegyadooda ku
darsadaan inay macaamiishooda had iyo goor siiyaan macluumaad iyo
tilmaamo la xidhiidha socdaalada. Aniga oo leh aad maskaxda haloogu
hayo inuu madaarku yahay muraayadda wadanka laga daawanayo, sidaa
darteed uu u baahan yahay in wasakh yar laga ilaaliyo. Sidoo kalena ay
adeegyadiisu noqdaan kuwo soo jiidanaya macaamiisha ka dhoofaysa ama
ka soo degaysa, waana in la fahmo inuu madaarku yahay badeecad dunida
laga iibinayo oo mar walba u baahan yahay in laga shaqeeyo
iib-geyntiisa.

Top


SOMALILAND: DAL ISKU TASHANAYA, WAXNA TEBAYA! Shariif Macalin Maxamed

Muqdisho (Codka Xoriyadda) Waxa dhawaan socdaal ku yimid Somaliland
Tifaftiraha wargeyska la yidhaa Codka Xoriyada oo ka soo baxa
Muqdisho, kadib markii uu dib ugu laabtay Muqdisho ayuu xaalada
Somaliland gaar ahaana Hargeysa wuxuu ka qoray warbixin dheer oo xiiso
leh taasoo taabanaysa dhinacyo farabadan waxaanu ku bilaabay sidan:

SOMALILAND: DAL ISKU TASHANAYA, WAXNA TEBAYA! (Xaalada Bulsho,
Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland)

socdaal suxufi

Waxa Qoray: Shariif Macalin Maxamed

“ Waxyaabaha laga dhaxlay burburkii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo
dagaaladii sokeeye ee kadib bilowday kuna baahay guud ahaan dhulka
Soomaaliyeed waxaa ka mida gooni isu taagga Somaliland, kadib markii
goboladii hore loo odhan jiray Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ay ku
dhawaaqeen inay ka madax bannaan yihiin Soomaaliya inteeda kale
sanadkii 1991-kii.

Gooni isu taagaasi in kastoo markii hore loo arkayay inuu ahaa mid
degdeg iyo caadifad ku yimid haddana wuu sii xoogeystay marka la eego
gudaha gobolada waqooyi, laakiin aragtida ay ka qabaan Soomaalida kale
ayaa ahayd mid had iyo jeer diidmo ah, beesha caalamkuna ku
khasbanaatay inay ka gaabsato.

Halka Somalilandnimadu dad badan u tahay muqadas iyo lama taabtaan,
dhinaca kale Koonfurta Soomaaliya midnimada ayaa biyo kama dhibcaan
ah, taasoo keentay in isku dhac joogto ah oo siyaasadeed iyo mid
jiritaaneed had iyo jeerna ka taagan qaddiyada aan weli qaan gaardhn
ee goosashada.

Socdaal gaaban oo aan bishan Disembar ku tegay magaalada Hargeysa
ayaan ku soo ururiyay warbixino badan oo aan filayo inay ilaa xad ku
filnaan doonaan dadka daneynaya inay wax ka ogaadaan xaalada nololeed,
dhaqaale, bulsho, tacliin iyo siyaasadeed Jamhuuriyadda Somaliland oo
mudo 12-sano ah ku adkeysaneysa inay Soomaalinimadii dib uga noqotay.

Magaalo madaxda Hargeysa oo mar ahaan jirtay magaalada labaad ee ugu
weyn Jamhuuriyadii Soomaaliya, iminka waxay dadka degani ugu yeeraan
caasimada Jamhuuriyadda Somaliland inkastoo aan la aqoonsan, magaalada
way sii balaaaratay, waxa ugu horeeya ee ishaadu qabaneyso marka aad
Garoonka Diyaaradaha Hargeysa caga dhigato waxaa ugu horeeya ee aad
arkeyso waxay noqonayaan Boodhadh ay ku qoran yihiin Jamhuuriyadda
Somaliland iyo madax bannaanideeda, Garoonku waa midka ugu horeeya
dhinaca muuqaalka iyo ammaanka garoomada shaqeeya ee Soomaaliya
xiligan guud ahaan, waxaana sii bilay dib u habeyn lagu sameeyay sida
Terminal (dhisme) cusub oo dadka duulaya ay ka baxayaan kaasoo aad u
qurux badan, nasiibna aan u yeeshay inaan ka mid noqdo dadkii lagu
furay.

Sida socdaalkii hore ee Bishii Febraayo aan ku tegay halkaasi iskuma
biimeyn karin inaan Baasaboor la’aan ka gudbo, waxaadna dareemeysay
isbedel weyn oo dhinaca baadhitaanka ilaalada iyo koontaroolka
Garoonka ah, maamulka Garoonka inkastoo ay mashquulsanaan iyo isku
duba ridnaan la’aani ka muuqato, haddana shaqada ay hayaan waxay isku
dayayaan inay intii karaankooda ah dedejiyaan.

Marka aad garoonka ka soo baxdo Buuraha caanka ah ee NAASA-HABLOOD
ayaa kaa hor imanaya iyo magaalo Buuraley ah oo aad qiyaasi kartid
baaxadeeda, Hargeysa marka aad dhinac kasta ka eegto waa mid wada
mashquul ah cid kasta waxay ku jirtaa orod ay quutul daruurigeeda ku
raadineyo, dadka shaqeeya ayaase aad u yar, waxaa intaas dheer in meel
waliba uu ka socdo dhisme, dariiq kasta oo aad marto dhisme cusub iyo
mid la sii cusbooneysiinayo ayaa kaaga muuqanaya waxayna magaaladu ku
jirtaa kacaan dib u dhis lagu tilmaami karo, waxaa sii qarsoomaya
raadadkii ay ku reebeen dagaaladii sokeeye iyo burburkii gaadhay,
ammaanka halkii ugu sareysay ayuu joogaa oo marna ma arkeysid cid hub
sidata marka laga reebo ciidamada nabadgelyada.


Somaliland: Dal Isku Tashanaya Waxna Tabanaya
Shariif macalin –suxufi reer Muqdisho ah

Isbedel ay keeneen xaalado dhawaanahan dhacay sida dilka saddex qof oo
ajnabi ah ayaa jira. Dabaqado heer sare ah iyo kuwo sagxada yaala oo
xaalkoodu aad u liito ayay kulmisaa nolosha magaalada Hargeysa,
maciishadu waa qaali, taasina waxay dad badan oo aan la kulmay u
tirinayaan inay sabab u tahay lacagta gaarka ah ee Shilinka Somaliland
oo dhaqangalkeeda qiime sare lagu sar gooyay, halkii Doollar wuxuu u
dhigmaa ku dhowaad 7000 oo Shilinka Somaliland ah, sidaasoo ay tahayna
ma badna qiimaha ay Suuqa wax uga goyn karto, waxayna wax waliba ku
saleysan yihiin Doolarka Mareykanka.

Sida magaaladu ugu kala duwan tahay nolosha waxaad ka daraameysaa
Hoteelada waaweyn iyo magaalada caadiga ah tusaale yar waxaa kuu noqon
kara in Koobkii Shaaha ah uu ka joogo Hoteeladaasi 3500 shilinka
Somaliland (Nus Doolar), halka uu magaalada caadiga ah ka yahay 500
Shilinka Somaliland.

Magaalada Hargeysa waxaa ku badan dadka hoy la’aanta ah oo wadooyinka
iyo derbiyada jiifta, waxaad kaloo aad arkeysaa inaan la iska xil
saarin nadaafada, inkastoo Maayorka [Duqa] cusub ee magaaladu doonayo
inuu wax ka qabto arrintaas isagoo ah duqii ugu horeeyay ee la soo
doorto, nalalka Samaafareyaasha ee kala haga baabuurta, carwooyinka
waaweyn iyo nalalka ifinaya wadooyinka magaalada oo dhan ayaa sii
bilaya muuqaalka habeenkii ee magaalada, Korontada ayaa celcelis ahaan
magaaladu heshaa 14-saac maalin iyo habeen ama 24-kii saacba,
Hoteelada iyo goobaha ganacsiga waxay leeyihiin Mishiino u gaar ah oo
dabka siiya, laakiin waxaa sanadka cusub la rajeynayaa in Wakaalada
korontada Hargeysa ay shaqeyso 24-ka saac markii laba Mishiin oo deeq
ah ay ka heshay Jabuuti.

Dhibaatooyinka heysta magaalada waxaa ka mida biyo yaraan iyadoo
qeybaha faqiirka ah ayna helin biyo ku filan, Bacaha oo Geed walba
qabsaday iyo buushashka lagu qayilo oo goob walba ka muuqda, xitaa
xarumaha waaweyn agagaarkooda iyo dhexdooda.

Gooni isu taaga Somaliland wuxuu mararka qaar noqdaa wax dadka madax
mara oo keena isku dhac, labadii jeer ee aan Hargeysa tegay waxaan u
soo joogay laba dhacdo oo nasiib darro ah, dhacdadii hore waxay ahayd
iyadoo Boodh uu ku qoran yahay Calanka Soomaaliya si awood ah looga
dejiyay Hoolka Hoteelka Ambassador oo markaasi shir uu uga socday
ururada bulshada rayidka ah, dhacdadii labaadna waxay ahayd iyadoo mid
ka mida mas’uuliyiinta Warbaahinta Muqdisho uu nin ka mida shaqalaaha
Madaarka Hargeysa gacan ula tegay si uu uga gooyo calaamad Calanka
Soomaaliya ah oo Shaadhkii uu sitay ku tolneyd.

Labadaas dhacdo waxay sawir ka bixinayaan dulqaad la’aanta weyn ee
Somalilandnimadu la timid, marka aan dadkaasi kala doodnay sababta ay
falalkaasi ugu kacaayaan iyo waxa ku diray Calanka Soomaalida iyagoo
ogol calamada dalalka kale sida Itoobiya waxay dooda ugu weyn ee ay
cuskanayaan noqoneysaa: «Marka ay Calankayaga aqoonsadaan ayaan kooda
aqoonsaneynaa!!!!.»

Dadka waxgaradka ah waxay si aan qarsoodi lahayn kuugu sheegayaan in
la sugo inta cadhada iyo naceybku ka baxayaan, iyadaaba la kala maarmi
doonine, waxaana jira dhalinyaro da’ yar oo aan waxba ka ogeyn waxa
dhacay laguna habay naceybka Soomaalida iyo jiritaanka Somaliland sida
wiilka lagu magacaabo Axmed Keyse waa 20 jir la shaqeeya gawaadhida
BL-ka Hargeysa wuxuuna yidhi: «Waxa uun la ii sheegay in reer
Koonfureedku na xasuuqeen!!»

Dhinaca dhaqaalaha waxaa waxyeelo weyn u geystay xayiraada xoolaha ee
dalalka Khaliijka gaar ahaan Sacuudigu ku soo rogay, waxaa u sii
raacay Itoobiya oo ganacsiga lala leeyahay uu yahay mid aan sal
lahayn, wax iibsigu ma xuma Carwooyinka waaweyn ee magaalada iyo
Suuqyada waxaa dhooban dad u badan haween oo lacag badan bixinaya si
ay u helaan waxyaabo ay isku qurxiyaan, laakiin waxay dadku ku tiirsan
yihiin sida Soomaalida kale taakulada ay ka helaan eheladooda dibadaha
Biilka uga soo dira.

Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo adeegyada Internetka bixiya way ku
baahsan yihiin magaalada laakiin uma fara badna umana qiime jabna sida
Muqdisho, guud ahaan ganacsigu waa mid socda laakiin ay jirto
ogolaansho xukuumadeed oo lagu xakameeyo cida ruqsada loo siinayo soo
dejinta waxyaabaha daruuriga ah, la yaabna ma aha haddii ganacsade
qudha loo siiyo ruqsad inuu magaalada keeno Sonkorta.

Dhinaca Siyaasadda waa laga soo gudbay xiligii loolanka iyo
doorashooyinka, waxaana talada halkeedii ka sii miistay UDUB oo eeda
ugu weyn ee loo heystaa ay tahay inay maamulkii isku koobtay halkii
laga sugayay doorashadii muranku ka dhashay kadib inay soo dhisto
dawlad midnimo Qaran waxay Golihii wasiirada ee Madaxweyne Rayaale u
bateen isla kuwii ay hore isu fahmeen oo qaarkood faraha lagu fiiqayo,
dhaleeceynta xukuumada iyo sida ay u gaabineyso waa ereyo uu qof
kastaa afka ku hayo.

Qofka caadiga ah ee suuqa jooga marka aad weydiiso sida uu u arko
waxqabadka xukuumada Daahir Rayaale wuxuu si cad kuugu sheegayaa inay
tahay dawlad fadhiid ah, qeylo dhaanta joogtada ah ee ururada
mucaaradka ah (KULMIYE & UCID) ayaa iyana muujineysa in xukuumadu ay
guud ahaanba dhegaha xidhatay oo wax alla iyo wixii laga sheego aanay
meel ka soo qaad u lahayn, lana la’ yahay meel laga sameyn karo si loo
dhaqaajiyo.

Dhinaca Warbaahinta haddii aynu eegno waxaa jira xoriyad dadku
sameysteen oo la doonayo in sharci lagu xadeeyo, taasoo aan weli
suuragelin sidaasoo ay tahayna isku dhaca xukuumada iyo saxaafadu waa
mid joogto ah, mar walba waxaa la qabtaa weriyeyaal loo heysto maqaalo
iyo warar ay qoreen waxaad kaloo dareemeysaa inayna Xisbiyada kale ee
aan UDUB ahayn ku dulman yihiin dhinaca Raadiyaha Hargeysa oo dawladdu
gacanta ku heyso marka ay timaado tebinta qorshayaashooda iyo
aragtidoodaba.

Raadiyaha Hargeysa oo ah kan kaliya ee ka jira degaankaasi waxaa soo
wehliya FM-ta BBC-da oo iskeed ugu adeegta qeybaha kala duwan BBC-da
oo ay ku jirto Laanta Af-soomaaliga, Idaacaadda Hargeysa wax badan
kama duwana kuwii hore ee Soomaaliya waxaa ka baxa warar, suugaan iyo
barnaamijyo ay soo weheliyaan barnaamijyo luuqadaha Carabiga,
Ingiriiska iyo Amxaariga lagu tebiyo, waxaa soo baxa Wargeysyo faro
badan oo uu ugu caansan yihiin Jamhuuriya iyo Haatuf, waxaa kaloo jira
qaar ku soo baxa luqada Ingiriiska iyo Carabiga.

Degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa waxay kala yihiin:
26-ka June, Gacan Libaax, Maxamuud Heybe, Maxamed Mooge, Ibraahin
Koodbuur iyo Axmed Dhagax intaba waxay ka siman yihiin dib u dhiska ka
socda, waxaadna ka garan kartaa in ay ku soo kordheen degmooyin cusub
magaalada oo sii balaadhaneysa darteed, haddii aad is weydiineyso inay
jiraan degmooyinkii hore sida Iftin iyo Guryasamo waxaad ogaataa in
lagu bedelay magacyo cusub oo ah shaqsiyaad halganka Somaliland qeyb
libaax ka soo qaatay ama u shahiiday sida la sheegay.
Masaajidadu waxay buuxaan xiliyada salaada oo dad da’ walba leh ayaa
ku qulqulaya markii uu Mu’adinku dhawaaqo, arrin ay Muqdisho uga duwan
tahay oo aan is tusnay waxay ahayd in xiliga Salaada laga baxo aanay
dadku isla markiiba Masjidka ka bixin ee tasbiix iyo salaado kale oo
sune ah lagu mashquulo, balse waxaa kuu muuqanaya inay aad u yar
yihiin casharada diiniga ah ee Masaajidada ka socda aad ayayna u yar
tahay inaad aragto dhalinyaro xer ah oo dhinaca diinta u go’doontay.
Ma yara dadka isku mashquulsan ee wadooyinka jooga ama xaaladoodu
maskaxeed aanay caadiga ahayn, sidoo kale run ma aha in magaalada
Hargeysa aan laga heleynin Gabadh madow, inkastoo dumarka intooda
badan ay isticmaalaan dawooyinka iyo waxyaabaha kale ee la isku
qurxiyo oo jid waliba aad ka dheehan karto sida waxyaabaha kiimikada
ah ee haweenku isku qurxiyaan u qayireen uguna ciyaareen jidhka dumar
badan oo isticmaala haddana way jiraan gabdho aan ku saqajaamin ee
sidii Rabbi u abuuray ku kalsoonaaday, odhaahda ah: Doqon iyo habeen
baa madow ayaa ah mid dhaqangalkeedu socdo.

Haddii aan eegno dhinaca kale waxa ugu weyn ee ay weheshadaan waa
Qaadka oo la’aantii aanay waxba socon karin, Naadada (Dhawaaqa) qaadka
la iibinayo ee wadooyinka lala fadhiyo waa dhawaaqa ugu dheereeya ee
aad maqli karto marka aad magaalada u soo dhaadhacdo, Waxbarasho kala
heerar duwan oo hoose ilaa Jaamacadeed taxan ayaa socota, waxbarashada
gaarka ah ayaa si aad ah u sareysa, subaxnimadii waxaa wadooyinka
buuxinaya arday 6 sano jir ilaa 20 jir ka sareeeya oo Dugsiyada u
dareeraya, guud ahaan ardayda waxbarashada tooska ah tagta Somaliland
waxay ku dhow yihiin 100,000 sida uu sheegay wasiirka Qorsheyntu.

Dhalinyaro dhinaca Hidaha iyo dhaqanka ah iyo kuwo qaabilsan ciyaaraha
kala duwan ee qalaama-rogadka ayaa magaalada ka jira, waxaana ugu
caansan ururka HAVAYOCO oo ay munaasabadaha iyo maalmaha farxada soo
bandhiga ciyaaro kala duwan oo loo bogo, dhalin yaryar oo u muuqda
inay noqon doonaan hoboladii mustaqbalka ayaa soo baxaya gabdho
da’doodu u dhaxeyso 6 ilaa 15 jir ayaa heeso macaan oo musaabadle ah
ku soo bandhigay Hotelka Ambassador socodkeygii hore ee Febraayo,
laakiin waxaan nasiib u yeeshay inaan Hotelka Maansoor kula kulmo
dhalinyaro kale oo dharka Hidaha iyo dhaqanka ku lebisan kuwaasoo
inkastoo da’doodu ka weyn tahay dhalintii hore haddana soo bandhigay
heeso qiime leh oo kaalinta hooyada iyo xuquuqda aadanaha ka hadlaya
munaasabad loogu dabaal degayay maalinta Xuquuqda Insaanka.

Dhinaca muuqaalka bulshada wax badan kama duwana dadka magaalada
Hargeysa ku nool gobolada kale ee dalka, mana jiro qaab lagu kala
sooci karo dadka magaalada u dhashay ama kuwa Somalilander-ka ah iyo
kuwa Gobolada kale ee dalka Soomaaliya ka yimid oo aan ka ahayn
lahjada lagu wada hadlo, taasina maalmo kadib ayaa laga yaabaa inuu
qofku la qabsado.

Dareenka jiray wuxuu ahaa go’aanka ka soo baxay xukuumada Somaliland
ee ahaa inay masaafurineyso dadka ajnabiga ah oo lagu daray kuwa ka
yimid Koonfurta Soomaaliya, arrintaasi ma jirin cid aaminsan xitaa
marka aad eegto mas’uuliyiinta, laakiin waa go’aan Daahir Rayaale ka
soo baxay oo u baahan in si uun looga wareego looguna qiil bixiyo,
dadka Koonfureed ee degaandaasi jooga waxay hayaan shaqooyin ay
qaarkood keli ku yihiin aqoontooda, waxayna laf dhabar u yihiin goobo
badan oo ganacsi taasoo aan suuragal ahayn in si degdeg ah looga
maarmo, baahidaas oo la wada ogyahay iyo Soomaali is tarxiileysa oo
ceeb caado ugub ah noqoneysa ayaa go’aankaasi ka dhigay mid xitaa
mas’uuliyiintii soo saaray shido ku noqday.

Hablo wadooyinka laafyoonaya oo Duruuc kala jaad ah heysta, qaarkood
Dahab qaali ah sitaan ayaa is dhaafaya, way badan yihiin haweenka
xijaabka ku lebista, laakiin uma tira badna sida Muqdisho oo kale oo
dadka qaarkii u aaneeyaan inuu xijaabka badan ee dumarku sitaan ay ugu
wacan tahay ammaandarrada ka jirta Xamar, laakiin Hargeysa oo
xasilooni taam ahi heysata inkastoo lebiska haweenku bilicsan yahay
haddana ma jiraan xad ka bax muujinaya in dhaqanka dhar xidhashada
gaalada la raad raacayo.

Ururo bulshadeed xoog leh ayaa ka howl gala Somaliland waxayna ku
leeyihiin dadka dhexdooda ixtiraam iyo waxqabad muuqda, gacanta ay ka
geystaan wax ka qabashada baahida shacabka xaaladan adag ka sokow
waxay qeyb ku leeyihiin ka talo bixinta dhibaatooyinka jira iyo sida
looga bixi karo, halka xidhiidh dhow la leeyihiin xukuumada, waxaa
kaloo jira joogitaan muuqda oo hay’adaha samafalka iyo kuwa Qaramada
Midoobay ah oo u xilanaya ammaanka halkaasi ka jira.

Arrinta ugu dhibaatada badan ee hortaala guud ahaan maamulka kasta
Somaliland ka dhasha una baahan in si xikmad leh looga gudbo waa
nidaamka beelaha ku dhisan oo inkastoo doorashooyin dhaceen Golayaal
Dastuuri ahna ay jiraan la awoodi waayay in dhinacna looga wareego
nidaamka qadiimka ah ee lagu badbaadiyay Somaliland, dad waxgarad ah
oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa u aaneynaya iyadoo saameyn weyn
ay leedahay qabyaaladu isla markaana miisaanka wax lagu eegaa uu iyada
yahay, Xisbiyada siyaasadeed ee sameysmay midka xukunka haya iyo
mucaaradkaba waxay weli madiidin u yihiin nidaamkaasi.

Dadka ku dhaqan Somaliland ma necba reer Koonfureedka Soomaaliya
waxayna og yihiin in wixii dhacay loo sinaa oo dadka u dhashay waqooyi
iyo koonfurba kuwada jireen balse waxay qaadan la’ yihiin INAY RAHAN U
AHAADAAN NIN GURIGIISII OLOLAYO oo haddana isla isagii Baansiin ku sii
shubaya inuu yidhaahdo: «Somaliland wax la yidhaahdaa ma jiraan, mana
go’i karto!!!», taasina waxaan fogaansho ahayn kama sii qaadayaan.
Haddii aan isku soo duubo Somaliland waa dal isku tashanaya oo ku jira
koritaan dhinac waliba leh si uu mar u noqdo dawlad dunidu aqoonsan
tahay oo jiritaan leh, isuna heysta in midnimo danbe oo Soomaaliya uu
la galo sida tii dhacday1960-kii ay mustaxiil tahay, laakiin iskaashi
kasta oo ka soo hadha noocii uu doono ha ahaadee suuragal noqon karo
marka ay timaado cid ay wax la wadaagi karaan oo K/Soomaaliya ka soo
baxda, waxayse tebayaan aqoonsi ay caalamka ka helaan oo ay
xaqiiqsadeen inuu kaga xidhan yahay Soomaalida Koonfureed ee
xaaladeedu sida la wada ogyahay u qasan tahay, mana hayaan qaab ay ula
macaamili karaan kooxaha isku heysta Soomaaliya oo haddii ay mid la
xidhiidhaan ay kooxdii ka soo horjeeday caddow ka dhiganeyso sida uu
qiilka uga dhigtay soo dhexgal la’aanta arrimaha Soomaaliya Xaaji
Cabdi Xuseen Waraabe oo ah oday caan ka ah deegaankaasi.”

DHAMAAD

Top


Dhul Gariirka Baaxada Leh Ee Ku Habsaday Iiraan Iyo Khasaaraha Culus
Ee Uu Geystay

Tehran (W.Wararka) ugu yaraan 25,000 oo qof ayaa ku dhintey
dhulgariirka dalka Iiran gilgiley subaxnimadii Jimcahii, Waxaxaana la
rumeysanyahay in dad gaadhaya ilaa 20, 000 oo kale ay ku hoos jiraan
daaraha burburey.

Shaqaalaha gargaarka ayaa habeenkii Sabtidu soo galeysey ku
waabariistey baadigoobka lagu raadinayo bal in dad nool laga hoos helo
daaraha dumay, waxaana ay ahayd shaqo xannuun badan u si tartiib ah u
socotey.

Tobannaan kun oo qof ayaa dhulgariirkaasi uu gurya la'aan ka dhigey oo
xaley u hooydey bannaan dab loogu shidey si diirimaad loogu hello
cimilada goobtaas oo aad u qaboobeyd.

Saxariirkaa dadkaasi gaadhey ayaad ka arkeysey dad lugeynaya
dariiqyada oo qaarkood ay laabtooda garaacayeen si ay ula tacaalaan
aafaadka ku yimid.

Durba kumannaan dadkii ku dhintey dhulgariirka ayaa lagu aasey godad
isku meel ku yaal oo cagaf-cagaf lagu qodey.

Maadaama Cisbitaaladii magalaada Bam ay burbureen, ayaa qaar badan oo
ka mid ah dhaawaca loogu daad-gureeyey dayuuradaha gaadiidka miletriga
oo la geeyey meesha la yidhaa Kerman oo magaalada Bam u jirta in ka
badan lixdan mayl. Qaar kalena waxa loo qaadey Tehran, halkaas oo
Cisbitaalada heegan sare la galiyey.

Dalabaadkii ay Iran u jeedisey bulshada caalamka ee dhinaca gurmadka
ayaa la adeecey, Koox khibrad u leh baadhitaanka waxyeelada uu
dhugariirku geysto iyo gacan ka geysashadooda ayaa Iiran tagay. Sidoo
kale waxa Iran gaadhey koox ka socota Qaramada Midoobay oo hawshoodu
noqon doonto in Iraaniyiinta ay gacan ka siiyaan isku duwidda
hawlgalada gargaarka.

Guryihii ku yaaley magaalada qadiimiga ah ee Bam ayuu dhulgariirkani
dhulka la simey, iyadoo saraha burburey ay ku jiraan laba Cisbitaal
iyo darbi caan ahaa oo la dhisey qarnigii 16aad.

Madaxweynaha Iran, Mohammad Khatami ayaa dhulgariirka ku sifeeyey inuu
ahaa 'masiibo Iran ku habsatey', ahna wax aad uga weyn arin ay Iran
kaligeed la tacaali karto.

Mareykanku waxa uu bixinayaa kaalmo aadaminimo, madaxweyne Bushna waxa
uu sheegey inuu diyaar u yahay gargaarista dalka Iran.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Madaxweynaha Halala Shaqeeyo

Sida aynu la wada socono bulsho kasta oo adduunkan ku dhaqani waxay ka
maarmi weyday inay samaysato nidaam ay isku maamulaan marka laga
bilaabo qarad, wadan, gobol iyo IWM, ilaa qoyska oo ah halka ugu
hooseysa ee uu ka bilowdo maamulku.

Marka aynu u soo noqono dalkeena Somaliland, ka dib dhibaatooyin
farabadan oo dhimasho naf iyo maalba leh ka dib waxaynu la soo noqonay
1991 xornimadii iyo dawladnimad inaga luntay 1960, markii aynu wax ku
darsanay ee aynu la midownay Somalidii koonfureed. Waxaana aynu
dhisanay maamul iyo dawlad metesha shacbiga reer Somaliland oo dhan,
taas oo leh hay’addihii qaranka, dastuurkii iyo sifooyinkii degaanka
iyo kuwii madaxtooyadaba. Taas oo aynu ku dooranay madaxweynaha maanta
talada haya Daahir Rayaale Kaahin.

Haddaba si aynu uga gudubno marxaladaha adag ee dalku marayo, isla
markaana aynu u xaqiijino himiladeena dawladdnimo waxay iigu muuqataa
aragtidayda in ummadda reer Somaliland guud ahaan aynu la shaqeyno
madaxweynaha dalka, gaar ahaan xukumadda, goleyaasha qaranka,
aqoonyahanka, madax dhaqmeedka iyo shacabka intuba.

Sababtoo ah madaxweyne aan ummaddiisu la shaqeyni keligii waxba ma
qaban karo, aqoonsiga dibedana waxaa ka muhiimsan aqoonsiga gudaheena
oo ah in aynu aqoonsano dawladnimadeena oo aynu muujino kala
danbeyntii dawlad lagu yiqiin.

Dawladda maanta talada haysaana waa inay ogaataa xaqiiqada jirta oo ah
dhaliilo farabadan inay leedahay loona baahan yahay inay xukumaddu si
degdeg ah wax uga qabato xalna ugu raadiso, waxaana ka mid ah
dhaliilaha ugu waaweyn fidis la’aanta aan maamulka lagu fidin lana
gaadhsiin gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan iyadoo aan gobollada
bari aanay dawladda Somaliland marnaba gaadhin taaasna uu ka
faa’idaystay cadowgii Somaliland oo uu ugu horeeyo C/laahi Yuusuf.

Waxa kale oo jira wixii faa’iido ahaa ee dawladdu lahayd in aan si
siman looga wada faa’idaysan nooca ay doonto ha ahaatee, iyadoo wixii
dheef ah 80% ay ku kooban tahay gobollada galbeed, laakiin wixii
dhibaato ah oo keliya loo siman yahay. arrintaasina waxay keentay in
muwaadiniin badan oo reer Somaliland ahi ka niyd jabaan Somaliland iyo
maamulkeedaba.

Sidaa darteed waxaan xukumadda u soo jeedinayaa inay ilaaliso isku
duubnida reer Somaliland, isla markaana gudato wixii waajibaad ah ee
ummaddu ka sugeyso.

Maxamed Cali Xasan.

Hargeysa

Top


Adduunyoy Xaalkaa Ba’
Ma Maantuu Sadaam Ii Ekaaday?

Waa illaahay mahadii hadii maanta la arkay in ninkasta oo xukunkii uu
hayey lagala wareegay inuu asqoobayo sidayda.

Waxaan ka naxay muuqaalkii keli taliyihii Sadaam Xuseen, aniga oo la
yaabay markii aan arkay inuu sidayda oo kale timo raamaystay leeyahay,
weliba anigu timo injiri gashay ayaanan lahayne, isaga timihiisa waxa
ka muuqday injir.

Anigu waxaan ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee xoriyadda dalka u soo
halgantay, waxayse dadku ii yaqaaniin nin waallan oo weliba baryo
badan, balse maanta ayey dadkii ogaadeen in sidaa Sadaam aan ahay nin
xukunkii lagala wareegay, ka dibna markii uu waayey gacal u ciidamiya
damiirka naafo ka noqday. Sidaa darteed waxaan maanta leeyahay
aduunyooy xaalkaa be’ mar hadii uu ninkii Sadaam Xuseen ee sannadaha
badan Ciraaq ka amar-kutaaglaynayey maanta ii ekaaday oo sidayda raamo
yeeshay.

Dadku nin waallan ayuu ii yaqaan, waxaanse ahay nin daryeel u baahan.
Xukuumaddii marxuum Cigaal inbadan ayaan ka codsaday in dhakhtar
debedeed la ii diro, hase yeeshee wax jawaab ah lama ii siin. Laakiin
maanta waxaan madaxweyne Rayaale ka codsanayaa inuu mushahar igu
fillan ii sameeyo.

Cumar Asqo, Berbera 

Top


AF JINACLEY
Sheeko – Waxa Qoray; A. A. Garas, waxana Tifaftiray; A. Ducaale
Q: 19aad

Cawil Dhoobaale, ma jirto cid weli waraysatay oo hoos u eegtay
dar-xumada iyo diifta oogadiisa ka muuqata, oo xataa lama odhan xagee
ayaad ka timi.

Cawil oo uu yarkii maqaaxidu weli ka riwaayadsanayo ayaa nin oday ah
oo meel koone ah maqaaxida ka fadhiyay, wuxuu arkay ninkan badowga ah
ee dhibaataysan ee uu wiilka yari ka maadeysanayo, kuna ciyaarayo.

Dabadeedna nin odayga ahaa intuu kor u dhowaaqay, dhinacoodiina soo
eegay ayuu yidhi: “Waaryaadheheen, miyeydaan xishoonayn, ninka
islaameed ee miskiinka ah ciyaarta ka daaya.” Laakiin hadalkaa dheg
looma jalaqsiin ee yarkii maqaaxida iyo dhallinyaro kale maqaaxida
fadhiday ayaa ninkii Cawil oo meel halkan yuurura, bahal dhidid ahina
ka tifqaamayo ku shimbiro-waaqleeyeen oo marba wax ku yidhaahdeen.

Ninkii Cawil, wuu dhega-barjoobay oo sidii shimbir la qabtay ayuu meel
halkan ah yaxoobaa, laakiin mid ka mid ah dadkii Cawil ka maadsanayay
ee xareekadinayay ayaa ku yidhi: “Waar ka kac dhulka oo kuraasta mid
ku fadhiiso.” Kadibna Cawil, intuu si fir-ka-nax leh u kacay ayuu
amarkii ninkii ku ciyaarayay u dhego-nuglaaday, wuxuuna damcay inuu
kursi meel halkeer ah yaal ku fadhiisto, balse kursiga baas wa mid
jaban oo ay lugaha qaar ka maqan yihiin, Cawil-se ileyn waa nin wax
ra’yi ah ka haysan kursiga jaan inta lugood ee uu leeyahaye, maba
garanyo inay lugo ka maqan yihiin iyo in kale, dabadeedna kursigii
ayuu badhida ku hubsaday ee uu miisaankiisii oo dhan ku sii daayey,
kadibna kursigii aya intuu la dhacay six un isula baqayo rogay,
wuxuuna ninkii Cawil dusha kaga dhacay nin kursiga agtiisa fadhiyay,
ninkaasi waxa uu ahaa nin madow oo ay wejigiisa nabaro badani ku
yaalliin, isla markaana waxa uu ahaa nin ay wejigiisa cadho ka
muuqato.

Markii uu Cawil kursigii isla rogay ee uu nin meel fadhiyana dusha
kaga dhacay, ayay colkii maqaaxida fadhiyay ku oriyeen, bahal qosol
ahna jaanta ka wadheen. Kaaga sii darane Cawil markii uu kursigii isla
rogay, waxa ka bilig yidhi go’ii uu guntanaa ee awelba ruuggaga u
joogtay, halkaas oo cawradiisiina yara faydantay.

Cawil markii uu damcay inuu kaco, ayuu ninkii uu dhusha kaga dhacay oo
aad u cadhaysani kaladhka shaadhka ku dhegay, kuna yidhi: “Waar maxaad
dusha noogaga dhacday ee noo kaa keenay, bahalyow dhoorraha ahi.”
Ninkii madoobaa oo cadho cirkaa maraya ayaa intuu haddana feedh u
duubtay yidhi: “Wallaahay inaan sanka ka feedhi cawaankan-cawaanku
dhalay.”

Dabadeedna ninkii Cawil oo uu ninkii labadiisii gacmood midna
kaladhkiisa ku haysto, midina ay duuban tahay oo uu dul-hayo ayaa
ninkii haystay ku yidhi: “Waar maag iima kaa keenine, waan kugu soo
dhacaye ii sii daa, waaryaadha bal nasladdan iyo dal-caddan kaalaya.”

Cawil ileyn waa nin ay arrini ka dhabaqday oo ay ragganimadii woodhaq
ka noqotay, sidaa darteed maaha nin wax dagaal ah u soo rogtay,
wuxuuna si habacsan u laad-laadiyay labadii gacmood. Laakiin nin
madoobaa ee wejiga nabarrada ku lahaa oo bahal cadho ah jiq la ah ayaa
ninkii Cawil si ba’an u xuub-xuubsaday oo kolba dhinac u dhuftay,
weliba kaaga sii darrane, ninkii madoobaa indhaha ayuu galka ka soo
saaray, ninkii Cawil-na nafta ayuu isugu keenay, laakiin Cawil wuu
yaabban yahay, wuxuuna qunyar iska leeyahay “Waaryaa rabbi shuqul ku
leh oo ninkan garanaya, waar I sii daa, haddii kale waan iska kaa
celinayaa, ileyn nin rag ah oo kula mid ah ayaan ahaye.”

Dabadeedna Cawil, markii uu intaa yidhi, ayuu ninkii madoobaa oo uu
dagaalku caano uga fudud yahay, hadalkaa Cawil yidhi aad uga sii
xanaaqay, wuxuuna yidhi: “Waar ma anaad I leedahay waan iska kaa
celinayaa,” kadibna bahal feedh ah ayuu ninkii madoobaa la beegsaday
Cawil, laakiin Cawil ma moodayn in raggu sidaa sahlan qunyar isu
laynayo ee wuxuu yiqiin rag wax weyn ku dirirra, balse wuxuu ku war
helay inay xaaladdu dagaal dhab ah tahay markii ay ku dhaceen dhawr
feedh iyo weliba hirdi madaxa lagala helay.

Cawil ma aha nin feedh iyo hirdi midna garanaya, weligiina muu arag
riyo mooyee wax hirdi isla dhacaya, dabadeedna ninkii madoobaa ayaa
feedh ku dal-dalay. Laakiin goor dambe oo ay ninkii madoobaa
gacmihiiba daalleen sidii uu feedh gigtaa ugu hayay ayuu Cawil aad u
xannuunsaday oo ay bahal cadho ahi damaqday, kadibna markaas ayuu
ninkii Cawil dagaal u halladday oo uu is-qaadqaaday.

Cawil maadaama uu yahay nin aan dagaal magaalo waxba ka garanayn,
wuxuu la soo baxay tabihii miyiga, kadibna intuu ninkii la
dagaalamayey si gudub ah guntigiisa u halleellay ayuu bahal
tabco-dhexaad ah ku soohay, dabadeedna ninkii madoobaa oo lug keliya
dhulka ku haya, tu kalena tabco lagu maray oo dhulka kor looga qaaday
ayuu ninkii Cawil si xarfad leh ula hangalaystay oo uu meel koone ah
la tegay. Ninkii madoobaaana waa yaabban yahay oo tab aanu waxba ka
garanayn ayaa loola soo baxay, talo kalena kuma jirtee wuxuu is
leeyahay waar lugtan baas ee kugu marran mar qudha yaa kaa furfurra.

Labadii nin oo is-jiidanayaa sibidhka xatabada maqaaxida isla
gaadheen, ayuu ninkii Cawil ninkii madoobaa intuu cirkaa ula baxay
dhulka ku daqiiqay, dabadeedna intuu jeegada sibidhka ugu dhuftay ayuu
beerka kaga fadhiistay, laakiin intaa kumuu dayne ninkii CAwil intuu
gacanta midig la far-baxay ayuu sinta midig bahal toorri ah oo nooca
saddex geesta la yidhaahdo iska soo jarray, wuxuuna damcay inuu garka
wadne ka geliyo. Laakiin raggii maqaaxida fadhiyay ayaa ka gaadhay oo
gacantii uu toorrida ku hayay dhabsiiyay.

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Koob Loogu Talo-Galay Tartanka Ciyaaraha Gobollada 2004 Oo Wasaarada Dhallinyarada & Ciyaaraha La Gudoonsiiyay

Cabdifataax M. Caydiid

“Sharaf iyo maamuus ayaanu kuugu samaynaynaa hadyaddan qaaliga ah ee
aad noo keentay” Wasiirka Ciyaaraha


“Waxaanu Xidhiidh la samaynay urur FIFA ka hooseeya oo shaqadiisu
tahay… Shirka dambe waxaanu doonaynaa in Wasiirku ka qayb-galo.”
Mubaarikh Yuusuf Axmed (Bidhi)

Hargeysa (Haatuf) – Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo Gudoomiye ka ah
Shabakad wararka ciyaaraha faafisa oo lagu magacaabo Togdheer Sports,
fadhigeeduna yahay magaalada Birmingham ee dalka Britain ayaa shalay
Koob loogu talo-galay in la dhigo tartanka ciyaaraha gobollada
Somaliland ee sannadka 2004, gudoonsiiyay Wasiirka Dhallinyarada iyo
Ciyaaraha Somaliland, Maxamuud Siciid Maxamed.

Koobkan oo ay ku deeqeen Bahda Togdheer Sports, waxa lagu qiimeeyay
ilaa $2000 (laba kun oo doollar), waxaana hadyaddaa qiimaha badan lagu
kala gudoontay xaflad lagu qabtay Hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Kulankaa waxa ka soo qayb-galay dad kala du-duwan oo ay ka mid yihiin
madaxda wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, sida Wasiirka,
Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Sacad Maxamed Shire, Gudoomiyaha
Xidhiidhka Kubadda Cagta, C/risaaq iyo madax kale. Waxa kale oo ka soo
qayb-galay qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee gobollada Somaliland,
qaar ka mid ah ciyaartoyda dambe gobollada dalka, Gudoomiyaha ururka
qurba-jooga ah ee Somaliland Youth and Sports, Xasan Maxamed
Waraaba-cade, Saxaafadda dalka qaarkood iyo marti-sharaf kale.

Munaasibaddaa waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiintii beesha ciyaaraha
ee ka soo qayb-gashay oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ciyaaraha, Maxamuud
Siciid, Gudoomiyaha Togdheer Sports Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), iyo
qaar kale. Hase yeeshee, wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo ugu
horeyn kulanka furay ayaa halkaa hadal ka jeediyay, wuxuuna ugu horeyn
u mahadnaqay Bahda Togdheer Sports iyo Gudoomiyahoodaba, isagoo uga
mahadnaqay hadyadda qiimaha leh ee ay soo gaadhsiiyeen, waxaana
wasiirka hadaladiisa ka mid ahaa; “Sharaf iyo maamuus ayaanu kuugu
samaynaynaa hadyaddan qaaliga ah ee aad noo keentay, uguna soo
talo-gashay isboortiga Somaliland, waxa aad wax u taraysaana waa
dhallinyaradaadii iyo dalkaagii, waxaanan leeyahay dhallinyarada kale
ee dibadaha jira ee aan weli helin jaaniskaagan oo kale inay kugu
daydaan, dhallinyaradiinii aad bay ugu baahan yihiin caawimadiina iyo
waxtarkiina kolba sidaad wax ula qabataan ayuu horumarkooduna
noqonayaa, annaguna gacmo furan ayaanu idinku soo dhawaynaynaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay qorshaha ay wasaaradiisu sannadka
cusub ku talo-galkoodu yahay, isagoo sheegay in ay wadaan qorshe ah in
la sameeyo tartamo Naadiyo Heer Qaran ah oo inta la sugi lahaa uun
tartanka gobollada, saddexdii, ama lixdii bilood-ba mar la qabto iyo
mid bil socdaba, iyadoo buu yidhi jaa’isado lagu kala heli doono,
waxaanu yidhi: “Mustaqbalka waxaanu rajaynaynaa in sida caalamka si
joogto ah u socdaan tartamadu, taasina waxay jaanis iyo fursad inoo
siinaysaa in ay dhallinyaradeenu helaan wax ay kaga mashquulaan
mukhadaraadka iyo dhaqamada kale ee xun-xun.”

Wasiirku wuxuu Mubaarik kula dardaarmay inuu dedaalkiisa iyo
waxqabadkiisa uu halkaas ka sii wado, isla markaana jaaliyadaha reer
Somaliland dalka dibadiisa ku suganna uu gaadhsiiyo in ay gurmad u soo
sameeyaan dhallinayarada wadankooda.

“Wax kastaba kelinimada kuma fiicna ee wehel bay u baahan yihiin” ayuu
yidhi Wasiirku, isagoo intaa ku daray “Xasan Waraaba-cade ayuu ahaa
ninkii toddobaadkii hore media-yaha u badnaa ee isboortiska dalka wax
ku soo kordhiyay, isagoo keenay direyska 6 kooxood, iyo qallab kaleba.
Mubaarik-na maanta wuu soo labeeyay”.

Wasiirku waxa uu ka dalbaday Mubaarik iyo cidii kale ee isboortiska
dalka waxtaraysa in ay wasaarada soo gaadhsiiyaan, si uu buu yidhi ay
u gaadhsiiyaan dhallinyarada dalka sida ay ugu kala baahi badan
yihiin. Dhinaca kale wasiirku wuxuu ku celceliyay in Shirkadda keliya
ee dhinaca ciyaaraha qaybta weyn ka qaadatay tahay Dahabshiil, isagoo
yidhi: “Dahabshiil waa shirkadda keliya ee mar kasta oo ciyaaro la
qabanayo gacan ka geysata, qoraal baanu u gudbinay Madaxweynaha,
waxaanuna isla garanay in shahaado-sharafta 1aad ee sannadkan la siiyo
shirkadda Dahabshiil.”

Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaanu
sheegay bushaarooyin badan oo dhinaca ciyaaraha waxtar u ah, waxaana
bushaarooyinkaas ka mid ahaa, xidhiidh ay isaga iyo shabakadiisu
Togdheer Sports la sameeyeen urur ciyaaraha ah oo ka hooseeya FIFA,
kaas oo uu sheegay inuu u xilsaaran yahay wadamada aan ictiraafka
haysan ama dagaaladu ka jiraan, sida Afgaanistaan iyo Jejniya, waxaanu
yidhi: “Waxaanu xidhiidh la samaynay haddaanu nahay Shabakada wararka
Togdheer Sports, urur FIFA ka hooseeya oo shaqadiisu tahay ama loo
sameeyay in uu wax ka qabto wadamada aan la ictiraafin ama burburku ka
jiro, cid baanu u magacownay, waxaanuna ka qayb-galnay shirar dhawr
ah, iyadoo aanu shirar dambena ka qayb-gali doono. Sidaa daraadeed,
waxaanu rajaynaynaa in shirka dambe wasiirka dhallinyarada iyo
ciyaaruhu ka qayb-galo, sidoo kalena inta aan joogana aan xidhiidhsiin
doono wasiirka ururkaas.”

Mubaarik, waxa uu ka waramay sababta ku keliftay aasaaska shabakaddan
wararka ciyaaraha ah oo shabakadda keliya ee Somaliland ee wararka
ciyaaraha lagu baahiyo, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi:
“Shabakadan waxaanu u samaynay si aanay u baabi’in taariikhdii
isboortiga Somaliland. Aniga iyo dhallinyar kale oo reer Somaliland ah
ayaa markii aanu aragnay dayaca taariikhdii ciyaaraha Somaliland
samaynay shabakadan Togdheer Sports.”

Mubaarik waxa uu sheegay in ay doonayeen in ay sannadkii hore dalka
yimaadaan, balse ay u suurto geliwaday, kadibna ay maanta suurto-gal
noqotay in ay yimaadaan, waxaanu yidhi: “Waxaanu isla garanay koobkii
la dhigi lahaa sannadka dambe tartanka ciyaaraha gobollada ku caawino
wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, waxaanu qiimaha
koobkani ahaa $ 2000 US [laba kun oo doollarka Maraykanka ah].”
Waxa kale oo uu Mubaarik (Bidhi) sheegay inuu wakhtigan xaadirka sido
lacag ay ugu talo-galeen in lagu dayac-tiro Stadium-ka kubadda cagta
ee magaalada Burco, kaas oo uu sheegay inuu imika bilaabayo, balse
waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la xidho garoonka marka ay
dhammaystiraan, taas oo uu ku taliyay in aanu garoonku noqon mid mar
walba iyo cid walba iskaga ciyaarto, balse uu noqdo mid lagu ciyaaro
ciyaaraha muhiimka ah iyo tartamada oo keliya, wasaaraduna ama gobolku
uu ogolaanshaha bixiyo, si aan garoonku u baabi’in. Dhinaca kalena,
waxa uu xusay Mubaarik in ay iyagana gacan ka geysanayaan dayactirka
garoomada caasimadda Hargeysa mustaqbalka dhow.

Gudoomiyaha Togdheer Sports, Mubaarik (Bidhi), waxa uu wasaarada iyo
masuuliyiinteedaba iyo weliba cidii kale ee jecel horumarka ciyaaraha
Somaliland u soo jeediyay dhawr arrimood wax laga qabto, waa ta
koowaade, waxa uu yidhi Mubaarik: “Waa in xul Qaran Somaliland ah la
sameeyo oo la xareeyo ciyaartoyda, wixii xul lahaan jirayna loo
sameeyo, taana waxa wada nin reer Somaliland ah oo u ciyaari jiray
Naadiga Ingiriiska ah ee Liverpool oo la yidhaahdo Jaamac Liverpool,
wasaarada waanu ka wada hadli doonaa. Ta labaad, in ciyaartoyda
Naadiyada heerka koowaad u ciyaara sida Gaashaan iyo Goodir oo kale,
aanay u safan kooxaha gobollada, sidii dhacday tartankii ugu
dambeeyay, waana in ay noqdaan ciyaartoyda gobolladu qaar ku waa ka
duwan oo fursad la siiyo ciyaartoyda da’yarta ah si ay ugu ciyaaraan
gobolkooda, sannad-walbana qaar cusubi ka soo qayb-galaan. Ta
saddexaad, waa in aanu tartanka gobolladu aanu noqon tartanka keliya,
ee waa in sannadkiiba 6-7 koob la qabtaa, masallan gobol kasta naadiga
horyaalka qaata laysu keeno oo loo qabto koob oo uu ka soo horeeyo kan
gobollada. Sidoo kale, Garsoorka ciyaaruhu waa in aanu noqon qaar laga
soo xulo gobol keliya, balse ay gobolladu ka wada muuqdaan. Dhinaca
saxaafadda, waxaan leeyahay wargeysyada Maandeeq iyo Jamhuuriya, noqda
sida Wargeyska Haatuf oo kale oo ka qayb-qaata horumarka iyo
dhiiri-gelinta ciyaaraha dalkiina.”

Mubaarik wuxuu hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay oo uu sheegay inuu
wasiirka iyo ciyaartoydaba fariin salaam uga sido orodyahanka caanka
ah ee Jaamac Karaaciin.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka
Kubadda Cagta, C/risaaq Axmed Aadan oo ka waramay Garsoorka wax ka
qabashadiisa, iyo sidoo kale qorshaha sannadka cusub ee xidhiidhka
kubadda cagta.

Waxa kale oo iyaguna masuuliyiinta halkaa ka hadlay ka mid ahaa Xasan
Waraaba-cadde, Sacad Maxamed Shire iyo C/risaaq (Fiyoore) oo ah
Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland.

Top