Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 418 Feb.4, 2004

Madaxweyne Rayaale Iyo Wasiirkiisa Difaaca Oo Munaasibaddii Xuska Ciidanka Qaranka Isu-Baaciyey Khudbaddo Ku Waajahan Marxaladda Dalku Ku Jiro

Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Dood Ka Yeelanaya Ictiraafka Somaliland

Dhaqdhaqaaqyada Saddex Geesoodka Ah Ee Lagu Ururinayo Dad La Geynayo Shirka Nairobi Iyo Dareemada Ka Soo Baxay Joogitaankii Cismaan Kalluun Ee Somaliland

“Ciidamada Dhinaca Puntland Iska
Soo Dhiibay Ma Aha Intan Oo Keliya, Waxa Jira…”
Wasiirka Degaanka Somaliland

WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Kubadda Cagta Ciidanka Qaranka Somaliland Oo 1-0 Kaga Badiyay Kooxda Ciidanka Itoobiya

Xulka Masar Oo Ka Huleelay Tartanka Koobka Qaramada Afrika
Aljeeriya Oo Dirqi Ugu Soo Gudubtay Wareega Labaad, Kadib Markii Xulka Zimbabwe Oo Ka Baxay Tartanku Ku Sii Jiidhay 2-1

RAADYOW MA QALOOCSHE
A. A. Garas

Burburkii Midowgii Soomaaliyeed Iyo Raadka Uu Kaga Tegay Koonfurta Somaliya
Saxardiid Cali Madoobe
Q: 9aad

Qaramada Midoobay Oo Dalbaday In Deg-deg Loo Sii Daayo Hawl-wadeen Lagaga Af-duubay Koonfurta Somalia

Tirada Xujaajta Ku Dhimatay Caqaba Oo Gaadhay 251 Qof Iyo Dalalka Ay U Dhasheen
Boqor Fahad Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Dib Loogu Dhisayo Xaramaynka

Bush Oo Ogolaaday Inuu Magacaabo Gudi Soo Baadha Qabsashadii Ciraaq

Khabiirkii Nukliyeerka Pakistan
Oo Lagu Eedeeyey Inuu Sir Bixiyey

Boqor Buur Madaw Sharciguna Wuu Qaban Karaa Xeerka Dhaqankana Waa Lagu Sii Dayn Karaa
Dawladda Waxaanu Ka Codsanaynaa Inay Sii Dayso Boqor Cismaan
Bayaan
Qore: Cumar Maxamuud Nimcaale

Waxaanu Ka Soo Hor-Jeednaa Fara-Gelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf
Baaq – Qurba-Jooga Reer Sanaag

Boqor Cismaan Ma Xadhig Buu Mutaystay Mise Qadarin Dheeraada?

GEDDEENAAS OO KALEY GEEDUHU NAF U LEEYIHIIN
Maxaad Ka Taqaan Dhirta Iyo Deegaanka?
Q: 24aad

AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 38aad

Getting out the Muslim vote

"There is a sense of crisis in the Muslim community," says Jamal Gabobe, a U.S. citizen born in Somaliland.
By Kari Huus
Reporter

MSNBC

Madaxweyne Rayaale Iyo Wasiirkiisa Difaaca Oo Munaasibaddii Xuska Ciidanka Qaranka Isu-Baaciyey Khudbaddo Ku Waajahan Marxaladda Dalku Ku Jiro

Madaxweyne Rayaale Iyo Wasiirkiisa Difaaca Oo Munaasibaddii Xuska Ciidanka Qaranka Isu-Baaciyey Khudbaddo Ku Waajahan Marxaladda Dalku Ku Jiro

“C/Laahi Yuusuf Oo Garoowe Iyo Boosaaso Mideyn Kari Waayay Ayaa Leh Waxaan Mideynayaa Daaroodka Kala Deggan Shanta Soomaaliyeed”
Wasiirka Gaashaandhigga

“Somaliland Waa Caaro, Cidda Ku Soo Duushayna Waa Duqsi… Mar-dhow Ayey Somaliland Ka Mid Noqon Doontaa Beesha Caalamka”
Madaxweyne Rayaale

Hargeysa, Feb 4, 2004 (Haatuf) – Xaflad balaadhan oo lagu xusay sannad-guurada 10aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Somaliland ayaa shalay lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka ee caasumadda Hargeysa, waxaana munaasibadaa oo ahayd mid si weyn loo abaabulay khud-bado ka jeediyey masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Ismaaciil Aadan Boos iyo taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani, iyadoo dhinaca kalena munaasibaddaa lagu soo bandhigay barnaamijyo la xidhiidha xuska maalinta aasaaska ciidanka qaranka Somaliland. Waxaana munaasibaddaa ka soo qayb galay madax door ah oo ay ka mid yihiin shir-gudoonada labada gole ee baarlamaanka, wasiiro, madaxda kale ee hayadaha dawladda, saraakiisha ciidamada iyo madax iyo marti-sharaf kale.

Madaxda munaasibadaa ka hadashay waxay tilmaamo ka bixiyeen xaaladda ciidanka qaranka iyo marxaladda maanta ay marayso, iyaga oo si gaar ah u abbaaray, ugana hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhex-aloosan Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee uu madaxda ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed.

Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani ayaa markii xiligii khud-badaha la gaadhay ugu horayn halkaa ka jeediyey khud-bad uu kaga war-bixinayo xaaladda ciidanka qaranka, isaga oo ka waramay sooyaalkii taariikheed iyo marxaladihii uu soo maray ciidanka qaranku iyo doorka uu ka ciyaaro hawlaha dalka.

Ciidanka qaranka Somaliland waxa la aasaasay 2-dii Febarweri 1994-kii, waxaana markii u horaysay aasaaskiisa lagu bilaabay guuto ka kooban 500 oo nin oo laga soo xulay dagaalyahankii kala duwanaa ee beelaha Somaliland, waxaana ciidankaa loo bixiyey guutada 1aad ee ciidanka qaranka, iyadoo ay dagaalyahanka la isku daray ka soo kala jeedeen dagaalyahankii SNM iyo dagaalyahankii kale ee ka soo jeeday dhinicii taageerayey dawladdii Siyaad Barre.

“Iyadoo uu ciidanka qaranku bileyska la wadaago sugidda nabadgelyada gudaha ayaa hadana waxa u sii dheer difaaca xuduudaha qaranka”ayuu yidhi taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ka waramaya waajibaadka iyo hawlaha ciidanka qaranka, wuxuuna intaa ku daray “maanta ciidanka qaranka waajibka horyaal waxa weeye sidii loo sugi lahaa xuduudaha dalka”. Laakiin taliyaha ciidanka qaranku waxa kale oo uu sheegay inay ciidanka qaranku difaaca dalka ka sokow ka qayb qaataan hawlaha kale ee qaranka, sida adeegyada maamul iyo wax soo saarka dhaqaalaha, isaga oo yidhi “ciidanka qaranku waxa uu ka qayb qaataa fidinta maamulka iyo wax soo saarka dalka, sida mashruuca beeraha ee Togwajaale”.

Hadalka taliyaha ka dib waxa cod-baahiyaha la wareegay wasiirka gaashaan-dhigga Aadan Imaaciil Boos, wuxuuna wasiirka gaashaan-dhiggu halkaa ka jeediyey khud-bad dheer oo dhinacyo badan leh, isaga oo si gaar ah ugu dheeraaday xiisadda ka taagan gobolka Sool iyo dhaqdhaqaaqyada ciidanka qaranka ee ku sugan jiidaha gobolka Sool, laakiin ugu horayn wasiirka gaashaan-dhiggu waxa uu ka hadlay duruuftii ciidanka qaranka lagu aasaasay iyo marxaladihii uu soo maray iyo weliba doorkiisa difaaca Somaliland.

“Ciidankii lagu aasaasay ciidanka qaranka Somaliland waxa uu ka koobnaa ciidamo iska soo horjeedey sannado badan”ayuu yidhi wasiirka gaashaan-dhiggu, wuxuuna intaa ku daray “ciidamada la midaynayey waxay kala ahaayeen ciidamadii SNM ee mudada tobanka sannadood ka badan dagaalka kula jiray taliskii Siyaad Barre iyo ciidamadii taliskaa daacadda u ahaa ee dhinaca kale ka soo dagaalamayey. Marna waxa kale oo la midaynayey ciidan beeleedyo dagaalo sokeeye dhexmareen, ciidamada noocyadaas kala ahina inay isu yimaadaan iyo inay is aaminaan wax adag ayey ahayd, waxa kale oo iyana jirtay duruuf dhaqaale, laakiin aasaaska ciidanka qaranka waa la isugu tegay oo maskax iyo muruq-ba waa la isugu geeyey, waana lagu guulaystay, balse iyadoo uu ciidanka qaranku waxaas oo duruuf ah ku aasaasmay ayaa hadana wax yar ka dib aasaaskiisii waxa dalka ka bilaabmay dagaalo sokeeye oo noocyo badan leh, waxaase xusid mudan oo bogagga taariikhda Somaliland gelaya inuu ciidanka qaranku ku guulaystay bad-baadinta iyo ilaalinta Jamhuuriyadda Somaliland”.

Wasiirka gaashaan-dhiggu intaa ka dib waxa uu u soo daadegay marxaladda maanta lagu jiro iyo xaaladda ciidanka qaranka, laakiin waxa uu kale oo uu ka hadlay xiisadda ka aloosan qaar ka mid ah degaamada bariga Somaliland ee u dhexaysa Somaliland iyo maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, balse isaga oo sababaynaya waxa maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf duulaanka ciidan ugu soo galay degaamada bariga Somaliland wuxuu yidhi “cadawgu markii arkay ee uu ifafaaleheedu muuqday inuu soo dhow yahay ictiraafka Somaliland ayey taasi keentay in laynagu soo gardaroodo oo si badheedh ah laynoo soo weeraro. Laakiin cidda weerarka inagu soo qaaday waa qaar ka mid ah Soomaaliyadii aynu ka goosanay, waxaana caqli-xumadiisa weerarka inagu soo qaaday C/laahi Yuusuf”.

Wasiirka gaashaan-dhiggu waxa uu sheegay inuu dhowaan ka soo laabtay jiidaha hore ee ciidamada Somaliland ee degaamada gobolka Sool, sidaa darteed isaga oo ka war-bixinaya xaaladda ciidamada jiidahaa ku sugan iyo dareenka dadweynaha ee ku wajahan xiisadda colaadda ee u dhexaysa Somaliland iyo maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf waxa uu yidhi “anigu waxaan ka imi jiidaha hore ee ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sool, markaa iyadoo ay duruufo badani iska jiraan ayey hadana ciidamada qaranku heegan ugu jiraan difaaca qaranku, abaalka ay inagu leeyihiina illaahay uun baa ka abaal-marin kara, dabcan qaranka iyo dadka iyo dalkuba way u ogsoon yihiin taa. Inagu dad nabadda jecel baynu nahay, markaa inaga oo aan weli xabad ridin ayey diyaar garowgii iyo sanqadhihii ciidanka qaranku waxay keeneen in cadawgii ina soo weeraray 80% niyad-jab iyo burbur ku dhaco, taasna waa wararka iyo xogaha aan hayo, taasna waxa amaanteeda leh ciidanka qaranka. Waxaase iyana amaan mudan diyaar-garowgii degdegga ahaa ee ay dawladdu qaadatay markii ay xaaladdani inagu soo korodhay, iminkana diyaar-garowga ciidanka qaranku meel aad u wanaagsan oo 100% ah ayuu marayaa, laakiin ciidamada dalka difaacayaa ma aha inta hadda qoriga sidata oo keliya, balse wuu noocyo badan yahay oo xataa waxaan soo arkay kii geela la joogay iyo kii adhiga la joogay oo diyaar ah oo iminkaba neefkooda u qalaya ciidanka qaranka. Waxa kale oo aan idiinku bushaaraynayaa ciidanka qaranka oo dhismay, dadweynihii oo abaabullan iyo cadawgii oo niyad-jabsan. Qaar baa moodaya inaynu Laascaanood ku duulayno, laakiin Laas-caanood waa magaalo ka mid ah magaalooyinkeenna, markaa dadkeedu hadii aanay iyagu xabadda la doonan, ciidanka qaranku uma socdo inuu burburiyo, dhibaatona u geysan mayno, laakiin hayaan baynu bilownay oo ciidankeenna iyo maamulka oo wada socda ayaa beegsanaya xuduudka, geediguna wuu soconayaa, wasaarad kastana waxa laga rabaa inay ciddi kala socoto ciidamada safka hore oo maalin-ba magaalada ciidanku tago ama dhaafo waa in maamulku ka muuqdo oo aynu sidaa xadka ku tagno. Ta kale C/laahi Yuusuf waxa uu midayn kari-waayey Garoowe iyo Boosaaso markaas ayuu ka hadlayaa Hartiga iyo Daaroodka kala degan shanta Soomaaliyeed oo uu leeyahay waan midaynayaa”.

Intaa ka dib madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa hadalka qaatay, wuxuuna khud-badiisa ku bilaabay “dal aan ciidan qaran lahayni ma jiri karo, ummadda Somaliland samir badan ayey muujisay iyadoo ay ujeedadeedu ahayd inay gaadho himilooyinkeeda ah inay xaqiijinta madax banaanideeda iyo jiritaanka qaranimadeeda”.

Madaxweyne Rayaale isaga oo ka hadlaya qadiyadda madax banaanida Somaliland iyo aragtida ay beesha caalamka ee ku wajahan qadiyadda aqoonsiga Somaliland waxa uu khud-badiisa ku daray inay beesha caalamku ka soo debecday mawqifkii ay markii ka taagnay qadiyadda Somaliland, wuxuuna isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Inaga (Somaliland) iyo Soomaaliya waxaynu kal ahayn laba dal oo Lixdankii is-raacay, weliba midnimada inaga (Somaliland) ayaa samaynay, laakiin intii aynu madax banaanideena la soo noqonay inbadan ayey beesha caalamku indhaha ka lalinaysay guusha ay Somaliland gaadhay , waxaane idiin sheegayaa inay beesha caalamku maanta qiime siinayso guusha ay Somaliland gaadhay, hadii qarankan inbadan la dafiray maanta waxaan idiin sheegayaa inuu mar dhow beelaha caalamka ka mid noqon doono, isla markaana saaxiibo badan oo wax inagala qabta baahiyaheenna dhakhso ayeynu u helaynaa insha’allaahu”.

Madaxweyne Rayaale isaga oo ka hadlaya xiisadda colaadeed ee hadda ka dhex-aloosan Somaliland iyo maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf waxa uu Somaliland ku tilmaamay bahasha Caarada la yidhaahdo, halka uu maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf-na ku tilmaamay Duqsi, isaga oo isbarbar-dhig ku sameeyey labada dhinac, wuxuuna yidhi “xayawaanka illaahay abuuray waxa ugu samir badan bahasha Caarada la yidhaahdo. Caaradu candhuufteeda ayey ka samaysataa xuubkeeda oo ay ku gabataa, bahalka Duqsiga la yidhaahdaana wuu ugu daan-daansi badan yahay xayawaanka illaahay abuuray, dabadeedna Duqsigu sida uu u socda ayuu Caarada oo xuubkeeda ku jirta ugu tagaa, ka dibna Caaradu way qabataa Duqsigii. Markaa marka la eego duulaanka maanta laynagu soo qaaday waxaan leeyahay Somaliland waxay ka dhigan tahay Caaradaa, cidda inagu soo duushayna waa Duqsigaa”.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay ciidanka qaranka iyo istaraatijiyadda xukuumadiisa ee ku wajahan ciidanka qaranka, wuxuuna yidhi “go’aanka xukuumaddu waxa weeye inaanu mudnaanta koowaad siino ciidanka qaranka, oo aanu u qabano wax kasta oo aanu u qaban karno, anaga oo wax kasta oo uu qaranku dhiiqo mudnaanta koowaad siinayna, iyadoo aanu mudnaanta koowaad siinayno sidii aanu u dhisi lahayn ciidamada qaranka, ka gudaha iyo ka difaaca debedda labadaba, waxaana kalsooni ku qabaa mar hadii aynaa inagu cidna ku duulayn ee aynu jiritaankeena iyo qaranimadeena difaacayno inuu illaahayna ina garab gelayo, cid kastana waynu ka guulaysanaynaa”.

Top


Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Dood Ka Yeelanaya Ictiraafka Somaliland

Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Dood Ka Yeelanaya Ictiraafka Somaliland

“Waxaanu sii wadi doonaa in arrinta Somaliland aanu kala hadalno dalalka EU-da Iyo Golaha Ammaanka…” Madaxda Xafiiska Arrimaha Dibadda Ee Ingiriiska

London, Feb 4, 2004 (Haatuf) – Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska ayaa maanta 2-da duhurnimo ku yeelanaya Guriga “House of Commons” dood ku saabsan qadiyadda Somaliland, iyo barnaamijka deeqaha ay Dawladda Ingiriisku ugu talo-gashay Somaliland.

Dooddan ay Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayaan qadiyadda Somaliland, waxaa gudoominaya Tony Worthington oo ka mid ahaa Weftigii ka socday Baarlamaanka Ingiriiska ee booqashada labada maalmood ah ku yimi Somaliland, 25-26-kii bishii January ee ina dhaaftay, waxaana la filayaa in Mudanayaashu ay aad ugu lafo-guraan dooddaasi arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin barnaamijka deeqaha ay dawladda Ingiriisku ugu talo gashay Somaliland iyo guud ahaan qadiyadda Somaliland.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya London, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa labadii bilood ee u dambeeyayba soo jeedinayay dooddo iyo fikrado ku saabsan in Somaliland la aqoonsado, isla markaana ay Dawladda Ingiriisku kordhiso deeqaha ay siiso Dawladda Somaliland.

Madaxda xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanku dooddan ka hor, ayaa sheegay in ay si joogto ah ula socdaan horumarka Somaliland, isla markaana ay sii wadi doonaan in arrinta Somaliland ay kala hadlaan dalalka kale ee ay ku wada jiraan ururka Midowga Yurub (EU) iyo dalalka Xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaanay Madaxda Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriisku, intaa ku dareen in ay taageero dhaqaale siiyeen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ayna rajaynayaan in doorashooyinkaasi ay ummadda Somaliland u horseedaan deganaansho taam ah, barwaaqo iyo dimuqraadiyad buuxda.

Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Africa, Chris Mullin, ayaa isna sheegay in bishii Oktoobar uu la kulmay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Edna Aadan Ismaciil iyo Wasiirka Ganagsiga iyo Wershadaha, Maxamed Xaashi Cilmi oo ay ka wada hadleen arrimaha Somaliland.

Dooddan ayaa la filayaa inay wax weyn ka tarto meel marinta qadiyadda Somaliland, iyadoo ay warbixin ka jeedinayaan Mudanayaashii Baarlamaanka Ingiriiska ee dhawaan dalka booqashada ku yimi oo indhahooda ku arkay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, isla markaana ku diirsaday sidii diiranayd ee dalka loogu soo dhaweeyay.

Mr. Tony Warthington oo dooddan gudoominaya waxa uu ka tirsan xisbiga shaqaalaha (Labour) ee hadda talada Britain haya, waxaanu dalka Somaliland booqasho ku yimi laba jeer, isagoo markii ugu horeysay uu yimi Somaliland sannadkii 1993-kii, xiligaas oo la afduubay isaga oo socdaal ku maraya gobolka Sanaag, markii labaadna waxa uu ka mid ahaa weftigii Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska ee dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee January booqashada ku yimi Somaliland.

Mr. Worthington, mar uu waraysi siiyay saxaafadda kaga hadlay qadiyadda Somaliland, isagoo yidhi: “Hanaanka dimoqraadiyadda ee Somaliland ka hirgalay waxa uu u baahan yahay in la dhiiri geliyo oo la taageero, hadiise taa la yeeli waayo, waxay taasi fursad siinaysaa kuwa Somaliland ka soo horjeeda ee diidan horumarkeeda, waxayna kuwaasi ku dhiirran karaan miji-xaabinta Somaliland si ay Somaliland gacanta ugu gasho kooxaha xag jira”.

Top


Dhaqdhaqaaqyada Saddex Geesoodka Ah Ee Lagu Ururinayo Dad La Geynayo Shirka Nairobi Iyo Dareemada Ka Soo Baxay Joogitaankii Cismaan Kalluun Ee Somaliland

“Cismaan Kaluun Wuxuu Ku Yimid Cafis Madaxweyne, Wuxuuna Ballan-Qaaday Inuu Ka Hadhayo Siyaasadihiisa Liddiga Ku Ah Gooni-Isu-Taaga Somaliland”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland
“Ii yara Kaadiya Horta Imika Hadli Maayee”
Cismaan Kaluun

Hargeysa, Feb 4, 2004 (Haatuf) – Sabtidii toddobaadkan oo ahayd 31-kii January 2004 waxa magaalada Muqdisho lagu dhacay baabuur yar oo uu leeyahay siyaasiga Cismaan Kaluun (Ra’iisal-wasaare-xigeenkii Maamulka C/qaasin) oo ah nin reer Somaliland ah, laakiin ka mid ah kooxaha u ololeeya baadi doonka midnimo Somaliweyn.

Sida ay sheegeen warar aanu ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah baabuurka Cismaan Kaluun waxa laga dhacay garoonka diyaaraduhu isticmaalaan oo la yidhaahdo Cisaley, kuna yaal waqooyiga Muqdisho, waxaana baabuurkaa watey ninka la yidhaahdo Xuseen Saalax oo ah wasiirka madaxtooyada ee kooxda C/qaasin, iyadoo uu Xuseen Saalax xiligaa ka dhoofayey madaarkaa, isaga oo u sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta, waxaana baabuurkaa dhacday dabley hubaysan oo ka soo jeedda beelaha degaanka Muqdisho, waxayna wararku intaa ku dareen inay dableydaasi baabuurkaa ula baxsadeen magaalada Beled-weyne ee badhtamaha Soomaaliya.

Xuseen Saalax waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta u dhashay Somaliland, ee u ololeeya baadi doonka midnimo Soomaali-weyn, waxaana la sheegay inuu socdaalkiisa Imaaraadku qayb ka yahay dhaqdhaqaaqyo loogu ololaynayo ururinta ergooyin cusub oo ka qayb gala shirka kooxaha Soomaaliya uga socda dalka Kenya, waxaana Xuseen Saalax dalka Imaaraadka Carabka kaga sii horeeyey rag kale oo ay ka mid yihiin ninka la yidhaahdo Yuusuf Dheeg oo ah wasiirka arimaha debedda ee kooxda C/qaasin, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, waxayna wararka arintaa ku saabsani daboolka ka qaadeen inay nimankaasi ururinayaan dad u dhashay Somaliland oo ku biira shirka dabada-dheeraaday ee kaamka Imbaghti, iyadoo ay wararku sheegeen inay magaalada Muqdisho, dalka Imaaraadka Carabta iyo meelo kaleba laga waddo dhaqdhaqaaqyo lagu baadi doonayo sidii loo ururin lahaa dad u dhashay Somaliland oo lagu biiriyo shirka kooxaha Somaliya ee ka socda dalka Kenya, waxaana abaabulka caynkaas ah wada siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo horjeeda qadiyadda madax banaanida Somaliland ee had iyo goor hoos-yaaca hogaamiye-kooxeedyada ku loolama talada Soomaaliya.

Dhinaca Cismaan Jaamac (Cismaan kaluun) oo isna ka mid ah ragga reer Somaliland ee safka kaga jira u ololaynta mabaadi’da midnimo Somaliweyn ayaa dhawaan socdaal ku joogay Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu horaantii bishii Janaury ee ina dhaaftay ka soo degay madaarka Hargeysa isaga oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho oo uu sannadihii u dambeeyey ku sugnaa, isaga oo ra’iisal-wasaare-kuxigeen ka ahaa maamulka kooxda Carta ee uu madaxda ka yahay C/qaasin. Laakiin dabayaaqadii sannadkii hore ee 2002 ayuu Cismaan Kaluun magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu iska casilay jagadaa, wuxuuna sheegay inuu noqon doono tabliiqi siyaasiya oo ka shaqayn doona u ololaynta midnimo Soomaali-weyn, isaga oo waraysi ay BBC-du la yeelatay maalmahaa uu sheegay inuu iscasilay ku sheegay in meelaha socdaalkiisa tabliiqinimo ku marayo ay ka mid yihiin meelo ka mid ah dalka Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Cismaan Jaamac markii uu yimi Hargeysa su’aalo dareen leh ayaa ka soo baxay ujeedada imaatinkiisa Somaliland, taas oo ay dadku iswaydiinayeen laba su’aalood oo ay midi tahay tolow miyuu ku soo hungoobay u ololayntiisii midnimo Soomaali-weyn oo dalkiisa ayuu hadda ka dib salka dhigayaa, mise waxa uu meesha u yimi hawlo la xidhiidha siyaasidihiisa u ololaynta Soomaali-weyn. Laakiin su’aasha kale ee ay dad badani iswaydiiyeen markii uu Cismaan Kaluun yimi waxay ahayd “Cismaan Jaamac muxuu kaga duwan yahay Jaamac Yare oo markii uu Hargeysa cagaha soo dhigay kal hore xabsiga loo taxaabay, ka dibna dalka laga masaafuriyey”.

Hase yeeshee Cismaan Kaluun tan iyo markii uu Somaliland yimi tibaaxo iyo dareemo is-khilaafsan ayaa ka soo baxayey ujeedada imaatinkiisa, waxaana jiray tibaaxo tafaasiil kala duwan ka bixinayey ujeedada imaatinka Cismaan Jaamac.

Cismaan Kaluun intii uu joogay Hargeysa ka hor intaanu laba maalmood u kicitimin dhinaca dalka Ingiriiska, tiroba ilaa laba goor ayey weriyayaal Haatuf ka tirsani kula kulmeen hudheelka uu degan yahay ee Ambassador si ay wax uga waydiiyaan dareenka laga qabo imaatinkiisa Somaliland, laakiin mar walba wuu ka gaabsaday inuu horfadhiisto saxaafadda. “ii yara kaadi hadda hadli-maayee”sidaa waxa yidhi Cismaan Jaamac oo u jawaabaya weriye Haatuf ka tirsan oo damcay inuu waraysto.

Weriye ka tirsan Haatuf ayaa wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan si kooban ula tiigsaday su’aal la xidhiidha imaatinka dareenka leh ee Cismaan Kaluun, wuxuuna weriyuhu yidhi “mudadii dhowayd ee aad Jabuuti ku maqnayd waxa dalka yimi siyaasiga Cismaan Jaamac, waxayna dawladda Somaliland siyaasigaa imaatinkiisa ula dhaqantay si ka duwan sidii loola dhaqmay siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac yare) markii uu sannadkii hore dalka yimi, taas oo inta la xidhay, ka dibna dalka laga masaafuriyey, isla markaana talaabada ay dawladdu ka qaaday Jaamac Yare waxay keentay dhimasho iyo dhaawac dad, markaa maadaama labada ninba (Cismaan Kaluun & Jaamac yare) si badheedh ah uga soo horjeedaan qadiyadda gooni isu taagga iyo madax banaanida Somaliland, waa maxay sababta uu midna xadhiga u mutaystay, midna aanay dawladda wax talaabo ah uga qaadin”, wuxuuna wasiirka daakhiligu su’aashaa kaga jawaabay “horta marka hore Cismaan Jaamac waxa uu dalka ku yimi cafis madaxweyne, ka dib markii uu isagu (Cismaan Jaamac) xukuumadda dalka u soo qortay codsi uu ku dalbanayo in cafis loo fidiyo, isaga oo ballan-qaaday inuu ka hadhayo siyaasidihiisii ku lidiga ahaa gooni isu taagga iyo madax banaanida Somaliland, mana jirto sabab kale oo ay xukuumaddu tixgelisay oo ku saabsan imaatinka Cismaan Jaamac”.

Laakiin warar u dhuundaloola dhaqdhaqaaqa Cismaan Jaamac ayaa tibaaxay inuu ku hawlan yahay sidii uu u diyaarin lahaa dad ka mid noqdo ergooyinka ay ururinayaan siyaasiyiinta reer Somaliland ee hadda ku hawlan ururinta dad reer Somaliland oo ku biira kooxaha mudada sannadka iyo badhka ku dhow fadhiyey madasha dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliya ee Nayroobi.

Inkasta oo aanay weli soo ifbixin xaqiiqooyin kama dambays ahi, hadana wararku waxay leeyihiin dhaqdhaqaaqyada Cismaan Jaamac waxay qayb ka yihiin dhaqdhaqaaqyada ay magaalooyinka Muqdisho iyo Abu-dabey ka wadaan siyaasiyiinta dhigiisa ah ee ay ka mid yihiin Yuusuf Dheeg iyo Xuseen Saalax.

Intii uu Cismaan Jaamac joogay inkasta oo uu fadhigiisu u badnaa magaalada Hargeysa, hadana waxa uu ugu yaraan hal mar socdaal ku tegay magaalada Burco, waxayna xogo ku dhodhowi tibaaxeen inuu Cismaan Jaamac magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ku qabtay shirar-doceedyo ka dhacay aqalada hoostooda oo aan si cad loo ogayn ujeedadooda, laakiin la tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin dhaqdhaqaaqyada ay siyaasiyiinta ka soo horjeeda qadiyadda madax banaanida Somaliland ugu ololaynayaan ururinta ergooyin cusub oo ku biira shirka Kenya, iyadoo ay maalmihii u dambeeyey isa soo tarayaan tibaaxo muuqaal dareen leh ka bixinaya dhaqdhaqaaqyada Cismaan Jaamac.

Markii uu Cismaan Jaamac sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey maamulka kooxda C/qaasin, waxay wararkii bilowgii soo baxay ku tafsiireen sababta iscasilaadda Cismaan Kaluun inay ka dhalatay isqabad xoog leh oo dhexmaray isaga (Cismaan kaluun) iyo C/qaasin, taas darteedna ay ku kala yimaadeen khaatumo xumo. Laakiin dareemo u dhuundaloola wararka siyaasadeed ee Muqdisho iyo kooxda C/qaasin ayaa leh arinta Cismaan Jaamac may ahayn sida ay dad badani u qaateen ee sheekada Cismaan Jaamac waxay ahayd xeel siyaasadeed oo sida loo qaatay ka duwan, ujeedada dhawaaqiisuna waxay ahayd inuu dhegaha ra’yul-caamka dadka reer Somaliland maqashiiyo inuu iska tuuray ciwaankii ra’iisal-wasaaraha maamulka kooxda TNG ee C/qaasin, ujeedada imaatinkiisa Somaliland-na ay ku qotontay hawl-gal siyaasadeed.

Baabuurkii Cismaan kaluun ee Sabtidii toddobaadkan lagu dhacay magaalada Muqdisho waxay dableydii dhacday maalin ka dib maalintii ay soo dhaceen oo ah Axaddii doraad ka iibiyeen magaalada Beled-weyne, iyadoo ay wararku sheegeen inay siisteen lacag gaadhaysa $8500 oo dolarka Maraykanka ah. Hase yeeshee ma aha markii u horaysay ee siyaasiyiinta reer Somaliland ee u ololaysa shirarka kooxaha Soomaaliya hantidooda la bililiqaysto ama naftooda khatar la geliyo. Tusaale ahaan Cismaan Kaluun tiroba laba goor ayey saq-dhexe gurigiisa Muqdisho u soo dhaceen dabley hubaysani, kuwaas oo boobay hantidii guriga u taalay, isaguna uu dirqi ku baxsaday.

Top


“Ciidamada Dhinaca Puntland Iska
Soo Dhiibay Ma Aha Intan Oo Keliya, Waxa Jira…”
Wasiirka Degaanka Somaliland

Burco, Feb 3, 2004 (Haatuf) – “Ciidamada isa soo dhiibaya ma aha intan oo keliya ee waxa jira qaar kale oo habqankoodii meelo badan soo galay, balse aan tiradoda oo sugan lahayn.” sidaa waxa yidhi wasiirka horumarinta reer miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo ku sugan fadhiisimada ciidamada Somaliland ee gobolka Sool oo uu weriyaha Haatuf ee Tagdheer Axmed Aadan Yuusuf wax ka weydiiyay ciidamo ka tirsan maleeshiyaadka C/laahi Yuusuf oo todobaadkii ina dhaafay soo gaadhay tuulada Qori-lugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle, kuwaas oo uu hogaaminayay sarkaal magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan (Dalbac) oo ka mid ah saraakiisha hogaanka ciidanka C/laahi Yuusuf.

Ciidankan ka yimi dhinaca Puntland oo tiradoodu dhamayd 13 askari oo watay hal gaadhi oo tikniko ah, waxa hogaaminayay sarkaalkaas, waxayna ciidankaasu sida la sheegay shalay soo gaadheen magaalada Hargeysa, iyadoo uu soo kaxeeyey Abaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland Ibraahim Caydiid Dhab-dhable.

Sarkaalka ciidankan watay oo u dhashay deegaanka Sool waxa dhowaan ay masuuliyiinta maamulka C/laahi Yuusuf ku xidheen magaalada Laas-caanood, ka dibna waxa loo dhaadhiciyey dhinaca Garoowe, iyadoo ay wararku sheegeen in xadhiga sarkaalku ka dhashay ka dib markii ay ka soo yeedheen ereyo uu kaga soo horjeedo in dagaal ka qarxo magaalada Laas-caanood iyo in ciidamada deegaankaa ee ku jira maleeshiyada C/laahi Yuusuf aanay diyaar u ahayn in dagaal dhaco, taas oo ka cadhaysiisay masuuliyiinta Puntland, isla markaana keentay inay amar ku bixiyaan in la xidho sarkaalkaa.

Hase yeeshee markii loo dhaadhiciyey Xabsiga dhinaca Garoowe ee xarunta maamulka C/laahi Yuusuf ayaa la sii daayay ka dib markii uu muddo gaaban xidhnaa, waxayna isaga iyo ciidan uu wataa dabayaaqadii todobaadkii hore ku soo biireen ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee Laas-caanood. Sarkaalkan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan (Dalbac) oo ay weheliyaan 13 askari oo dabley ah iyo gaadhi tikniko ah waxay shalay soo gaadheen magaalada Hargeysa. Iyadoo uu halkaa ka soo kexeeyey abaanduulaha ciidamada Somaliland Ibraahim Caydiid Dhab-dhable.

Dhinaca kale ciidamada C/laahi Yuusuf ee ku sugan magaalada Laas-caanood ayaa la sheegay inay dadka gobolka Sool aad uga cadhaysan yihiin tallaabooyinka foosha xun ee ay tan iyo markii ay magaalada soo galeen ku kaceen, iyagoo adeegsanaya awood militari oo ay ku cabudhinayaan dadka, isla markaana ay ku dhaqmayaan falal fool xun oo ay ka mid yihiin inay gubaan gaadiid iyo guryo ay dumiyeen, waxa kaloo ay ciidamadaasu hatigaad iyo dil u geysteen dad shacab ah oo ka soo horjeeda falalka ay samaynayaan iyo siyaasadoda, taasuna waxay keentay inay maleeshiyaadka u dhashay deegaankaa ee ka tirsan maamulka C/laahi Yuusuf ay ka cadhoodaan, kuwaas oo ay qaarkood u soo gudbeen dhinaca ciidanka Somaliland ee jiida hore, halka ay qaar kalena jidka ku soo jiraan.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Kubadda Cagta Ciidanka Qaranka Somaliland Oo 1-0 Kaga Badiyay Kooxda Ciidanka Itoobiya

C/fataax M. Caydiid

“Dalkani Horayso Iyo Dambaysaba Taariikhiyan Waxa
Uu Ahaa Midhihii Itoobiya… Mana Ilaawayno Abaalkii…”
Yuusuf Ciise Talaabo- Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha

“Ciyaartani Waxay Noqonaysaa Talaabo Wanaagsan Oo Sii Xoojisa Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya, Waxaanan Rajaynayaa In Kooxo Kale Oo Itoobiyaan Ahi Yimaadaan,” Qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland

Ciyaar Saaxiibtinimo

Hargeysa, Feb 4, 2004 (Haatuf) – Kooxda kubadda cagta ee Ciidanka Qaranka Somaliland “Gaashaan” ayaa 1-0 kaga guulaysatay kooxda Ciidanka Itoobiya ee aagga bariga Itoobiya ee Herergee oo Axadii booqasho ku yimi dalka Somaliland, kadib ciyaar saaxiibtinimo oo loogu dabaal-degayay sannad-guurada 10aad ee aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland oo dorraad Isniintii labada kooxood ku dhexmartay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qayb-galeen kumanaan qof oo dadweynaha magaalada Hargeysa ah, kuwaas oo buuxiyay badiba tarabuunada garoonka Hargeysa Stadium, waxaanay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo ay dadweynuhu aad uga helaan, waxaana kooxda Gaashaan ee ciidanka Qaranka Somaliland u suurta-gashay daqiiqadii 9aad inay gool ku hormaraan, kaas oo uu u saxeexay ciyaaryahanka Aadan Maxamed Aadan (Aadan-daanyeero), waxaanay qaybtii hore ku dhammaatay 1-0 ay kooxda Gaashaan ku hogaaminaysay kooxda Ciidanka Itoobiya, isla markaana qaybtii dambe ee ciyaarta ayaanay wax goolal ah isku dhallin labada kooxood, sidaas darteed waxay ciyaartii ku soo geba-gebawday 1-0 ay guushu ku raacday kooxda Gaashaan.

Labadan kooxood ayaa hore ciyaar saaxiibtinimo ugu soo wada ciyaaray magaalo-madaxda Kilinka 5aad ee dalka Itoobiya ee Jig-jigga, taas oo ay kooxda Ciidanka Itoobiya 3-2 kaga soo adkaadeen kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka Somaliland, balse kooxda Gaashaan ayaa ciyaartan oo ahayd tii labaad ee labada kooxood dhexmarta u suurta-gashay in ay ku guulaysato kooxda ciidanka Itoobiya 1-0.

Munaasibadda ciyaartan dhexmartay labada kooxood, waxaa ka soo qayb-galay dadweyne aad u farabadan iyo Masuuliyiin ka kala socday xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Yuusuf Ciise “Tallaabo”, Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxda Ciidanka Qaranka Somaliland iyo wakiilka Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland, Abdata Daribsa iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale, ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartaas saaxiibtinimo ee labada kooxood dhexmartay, waxaa halkaa lagu qaybtay ciyaar orod ah oo ay orodyahano farabadani ka qayb-qaateen, orodkaas oo ahaa 1500 mitir.

Geba-gebadii ciyaarta kubadda cagta ayuu Wasiir Ku-xigeenka Macdanka iyo Biyaha, Mr. Tallaabo, koobab, bilado iyo hadyado kaleba gudoonsiiyay ciyaartoyda labada kooxood ee kubadda cagta iyo ciyaaryahanada saddexda kaalmood ee ugu horeeyay ciyaartii orodka ku guulaystay oo kala ahaa: 1. Maxamed Mawliid Haybe, 2. Mustafe Cabdi iyo 3. Bile Askar Maxamed.

Sidoo kale, ciyaaryahanada kooxda Ciidanka Itoobiya, ayaa la gudoonsiiyay bilado iyo koobkii kaalinta labaad, waxaana koobkaas uu gudoonsiiyay Mudane Yuusuf-Tallaabo, kabtanka Kooxda Ciidanka Itoobiya, Haile Segaw.

Wasiir ku-xigeenku, waxa kaloo uu gudoonsiiyay koobkii kaalinta 1aad, kabtanka kooxda Gaashaan, Khadar Maxamed Muuse (Shafey), sidoo kale wuxuu gudoonsiiyay ciyaaryahanada kooxdaas bilad-sharafyo.

Ugu dambeyntii, waxaa halkaa hadalo kookooban ka jeediyay masuuliyiin munaabisaddan ka soo qayb-gashay, waxaana ugu horeyn halkaa hadal kooban ka yidhi, Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani, wuxuuna yidhi: “Ciyaartani waxay daba joogtaa ciyaar ay labadan kooxood 13-kii bishii December ee sannadkii hore lagu ciyaaray magaalada Jig-jigga, taas oo badisay kooxdan maanta martida inoo ah, maantana waxa badisay kooxdii kale [Gaashaan]. Markaa badintu faa’iido ma laha, balse waxa muhiim ah saaxiibtinimada iyo isku dhawaanshaha labada ciidan [Itoobiya iyo Somaliland] ee walaallaha ah, taasaana muhiim ah, waanuna u mahadnaqaynaa ciidanka Itoobiya ee halkan nagu soo booqday ee waqtigoodii soo dayacday. Ciyaaruhu Caafimaadka ka sokow, xidhiidhka dhallinyarada ayay wanaajiyaan. Waxaan rajaynayaa ciyaarahan iyo ciyaaro kaleba in ay dhici doonaan mustaqbalka, siina xoojin doonaan xidhiidhka labada ciidan iyo labada dawladoodba.”

Wasiir Ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha, Yuusuf Ciise Tallaabo, ayaa isna hadal kooban oo uu kaga hadlayay xidhiidhka taariikhda qadiimka ah iyo ta cusub-ba ee ka dhexeeya labada dal, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa oo uu ugu horeyn ku bilaabay: “Allaahu Akbar..Allaahu Akbar. Waxaa sharaf weyn aniga ii ah, xukuumadda Somaliland-na u ah in maanta gacan saaxiibtinimo, hadyado, iyo farxad lagu loolamo, maadaama dalkani [Somaliland] horeyso iyo dambaysaba taariikhiyan mid hore iyo dambe-ba uu ahaa midhihii Itoobiya. Illaahayna waxaan ka baryayaa inta ka hadhay taariikhda adduunkana uu xidhiidhkan wanaagsan ku dhammaado. Waxaan kaloo uga mahadnaqayaa [Itoobiya] in anagoo wada dhuumanayna Itoobiya tagnay, in annagoo rag ah oo hubaysan soo noqonay. Dalkan markii laga qaxay waxa libeeyay oo hubeeyay oo taageeray oo abaal gaara oo cidna la lahayn leh ku leh Itoobiya, iloobi maynona, xataa anigana shaqsiyan abaalka ay ii gashay ayaanan ilaawi karin. Somaliland-na saaxiib iyo hooyaba waxaa u ah Itoobiya”.

Ugu dambeyntii waxaa isna halkaa ka yidhi, Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mr. Abdata Daribsa, oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ciyaartan dhexmartay labada ciidan ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi: “Waxaanay noqonaysaa tallaabo wanaagsan oo sii xoojisa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanan rajaynayaa in kooxo kale oo Itoobiyaan ahi ay Somaliland u yimaadaan ciyaaro saaxiibtinimo. Waxaan ugu mahadnaqayaa dawladda Somaliland ee sida diiran u marti-gelisay ciyaartoyda Itoobiyaanka ah ee jidka dheer u soo maray sidii ay uga qayb-geli lahaayeen ciyaartan saaxiibtinimo.”

Top


Xulka Masar Oo Ka Huleelay Tartanka Koobka Qaramada Afrika
Aljeeriya Oo Dirqi Ugu Soo Gudubtay Wareega Labaad, Kadib Markii Xulka Zimbabwe Oo Ka Baxay Tartanku Ku Sii Jiidhay 2-1

Monastir, Feb 43, 2004 (W. Wararka) – Xulka Masar oo afar jeer oo hore ku guulaystay koobka tartanka Qaramada Afrika, ayaa dibadda laga dhigay tartankan koobka Qaramada Afrika 2004, iyagoo barbardhac 0-0 ah la galay xulka horyaallada Afrika ee Cameroon ciyaar shalay ku dhex martay magaalada Monastir ee dalka Tuuniisiya.

Geba-gebada wareega koowaad ee Group C, ayay xulka Masar isku dhibco iyo faraqa goolashaba noqdeen xulka kaalinta labaad ku soo baxay ee Aljeeriya, laakiin waxaa lagu reebay, isla markaana lagu kala saaray kala badnaashaha goolasha ay labada kooxood kala dhaliyeen, iyadoo xulka Masar ayaa yeeshay 4 dhibcood, saddex goolna way dhashadeen, halka saddex goolna laga dhaliyay. Xulka Aljeeriya, ayaa isna yeeshay 4 dhibcood, afar goolna dhashaday, halka afar goolna laga dhaliyay.

Xulka Cameroon ayaa isagu ku soo baxay kaalinta 1aad ee Group C, isagoo yeeshay 5 dhibcood, waxaanu raali ku ahaa barbardhaca ay la galeen xulka Masar.

Dhinaca kale, ciyaartii xulka Zimbabwe ayaa markii ugu horeysay ee ay u soo baxaan tartamada koobka Afrika, ku soo geba-gabeeyay guul ay u qalmeen oo ay 2-1 ku jiidheen xulka Aljeeriya.

Gooldhaliyaha Adam Ndlovu ayaa lumiyay laba fursadood oo hadyad ahaa qaybtii hore ee ciyaarta, ka hor intii aanu ugu dambayntii ku guulaysan inuu madaxa ku dhaliyo goolkii 1aad, daqiiqadii 65aad. Lix daqiiqadood kadib ayay xulka Zimbabwe 2-0 ku hormartay ciyaarta, kadib markii ciyaaryahanka khatarka ah ee Joel Luphahla uu daqiiqadii 71aad u saxeexay goolka labaad.

Balse Hocien Achiou oo ahaa geesigii ciyaartii ay Aljeeriya kaga adkaatay Masar, ayaa madaxa ugu dhaliyay gool ka badbaadiyay xulkiisu inuu ku hadho wareega koowaad, waxaanay ciyaartii ku soo geba-gebawday 2-1 ay xulka Zimbabwe kaga badiyeen Aljeeriya.

Laakiin xulka Aljeeriya guuldaradaa kuma hadhin ee waxa uu u soo wareega labaad, isagoo kaalinta labaad ka soo galay Group C.

Dhinaca Group A iyo B, ayaa ciyaarahoodii wareega koowaad la soo geba-gabeeyay maalihii Isniintii iyo Axadii toddobaadkan, waxaana maalintii isniintii ee doraad ciyaaro dhexmareen kooxaha ku wada jira Group B, waxaanay ciyaartii hore ku dhexmartay xulalka Mali iyo Senegal garoonka El Menzah, ciyaartoos oo haddii xulka Senegal laga badiyo uu khatar ugu jiray inuu ku hadho halkaas, balse xulka Mali ay rajadiisu aad u saraysay, waxaanu hogaanka u hayay groupkan.

Bilowgii ciyaarta ayaa ahaa mid aad u xaamasad badnaa, isla markaana ay kooxood taxadir weyn ku jiray, balse xulka Mali oo ah xulka ugu dar-dartan badan qaybtan “Group B”, ayaa hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 33aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, kadib markii uu ciyaaryahanka khatarka ah ee Dramane Traore uu madaxa ku dhaliyay gool aad u qurux badan.

Hase yeeshee xulka Senegal oo cabsi qabay haddii laga badiyo, isla markaana ay Burkina Faso badiso inay halkaas ku hadhaan, ayaan ka samrin ciyaar, waxaanay 11-daqiiqadood kadib u suurta gashay in ay dhaliyaan gool barbardhac ay ku noqdeen labada xul, goolkaas oo uu u saxeexay ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara xulka Senegaal, Xabiib Beye, ciyaartiina waxay ku soo geba-gebowda barbardhac 1-1 ah, sidaana ay labada dal ugu soo baxaan wareega labaad (quarterfinals), waxaanay isku beegan yihiin labada xul ee ka soo baxay group A oo kala ah, Xulalka Tuuniisiya iyo Guinea oo iyagu ciyaartoodii ugu dambaysay ee Axadii barbardhac 1-1 ah ku kala baxay, waxaanay xulka Tuuniisiya ku soo baxday kaalinta koowaad iyadoo heshay 7 dhibcood, halka xulka Guinea uu ku soo baxay kaalinta labaad oo ay 5 dhibcood oo ay heleen.

Group-kan B, ayaa waxa kaalinta koowaad ku soo baxay xulka Mali oo 7 dhibcood yeelatay, waxaanay isku wareega labaad iskaga hor imanayaan xulka kaalinta labaad kaga soo baxay Group A oo ah xulka Guinea, halka kaalinta labaad uu kaga soo baxay xulka Senegal oo yeeshay 5 dhibcood ay iskaga hor iman doonaan wareega labaad xulka kaalinta koowaad kaga soo baxay Group A ee Tuuniisiya.

Dhinaca kale, ciyaartii labaad ee Group B ee doraad isniintii waxa iskaga horyimi xulalka Kenya iyo Burkina Faso, waxaana ciyaartaas guul weyn ka soo hooyay xulka Kenya, taas oo ahayd markii ugu horeysay ee ay tartankan ciyaar ku guulaystaan, waxaanay candhada u geliyeen 3-0 xulka Burkina Faso oo rajo ka qabay inuu u soo baxo wareega labaad haddii uu ciyaartan badiyo, balse ay sidaas tartanka kaga hadheen labadan dalba.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE
A. A. Garas

Feb 3, 2004

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegeysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee Ilaaqyahanka. Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaynu soo gaadhnay xilligii aan idinku hirgisi jiray wakii dunida, waxaana maanta u biyaysan doonta weriyad Xulbado Xag-jirta.

Isagii oo Afduuban
Illaahay janada ha juq siiyee, Xaajiyaal gaadhay laba boqol iyo afartan iyo afar, ayaa ku shahiiday dagaalkii shaydaanka lala galay. Intaa in le’eg oo Xaajiyaal kale ah, ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Xaj-gudkii xilligan.

Xaajiyadan xoogoodu waxay ku dhinteen buurta Caqaba ee Bartilmaameedka uu shaydaanku ku leeyahay, halkaas oo dhagxaan dhugta lagaga saaray.

Dhinaca kale, dagaalkaas shaydaanka lala galay ayaa reer Shayaadiin ahi ku idlaadeen oo wixii dhulkaas joogay gorafta laga dhigay.

Dad laba malyuun ka badan oo labeegta haya, ayaa xajkii xilligan u dhukurtay oo dhulka barakaysan dambiga kaga soo dabaashay. Dadkaasi oo isaga kala yimi dhammaan dunida kuusan, waxa la sheegay in kun iyo badh ah oo isugu jira reer Shankaroon iyo reer Af-kanool oo Soomaali laysku yidhaahdo marka la xajayo ayaa sannadkan gutay xajkii xilligan.

Soomaalidan xajiday ayaa lagu soo waramay in ay xagga hore kaga jireen dagaalkii shaydaanka lala galay, kuwa reer Shankaroon ayaa laygu yidhi waxay ahaayeen ragga ku cabaaday ee isha kala helay. Dagaalkaas ayaa laygu soo waramay in laba xaajiyadood oo Soomaali ahi ku dhinteen.

Dhinaca kale, dawladda Sucuudiga ayaa gaadh dable ku meerisay intii xaajiyadu shaydaanka shiidayeen. Dawaladda boqortooyada Sucuudiga, ayaa loo malaynayaa inaanay iyagu xajka gudanin oo intii la xajiyay iyaguna heegan ku jiray oo is lahaa kii Binu Laadin ayaa xaajiyadaa islaameed idinku layn doona.

Saxjuu Gofarment Oo Sawaaxiliga Taqaan

Sagagaradii ka socday Soomaaliya ee Kiiniya u dul-kuududay inay Kiiniya dawlad oo dhal ah u umusho, ayaa lagu soo waramay in ay wax wada saxeexdeen dhawaan, kadib markii Muuse Fiinka Yugaandha isugu yeedhay oo yidhi: “Waar xoolayahow soo dareeray aabihiin la xabaalye, xayawaanka sidiisa how xisaabtaminee, dad is dilaya dawlada yare e dhasha ah ee loo dhiibo ilayn curdinkaad ku cunaysaane, horta orda oo soo heshiiya.”

Kadibna Ququblayaashii Qarannimo doonka ahaa ee kibligaanka Kiiniya u soo karinayay ayaa ku heshiiyay sansaanka nooca dawladda ay doonayaan bal lax iyo ri’ kay rabaan iyo qodobka labaad oo ahaa cabbirkeeda bal aydhi-bay-aydhi, sigisti-bay-foodhi kolba kay noqonayso. Qodobka saddexaad oo dherer iyo dhumuc intay le’ekaanayso, jalxad iyo jirikaan caynka ay u ekaanayso, carabiyad mise sawaaxiliyad iyo inta nine e dhakada ka fuulaysa iyo inta beerka ka fuulaysa, kuwa badhida kaga hagaagaya iyo inta sannadood ee la saarnaanayo.
Heshiiskaas, waxa qallinka la ruubtay kooxaha kala ah:

Mooryaanta ku meel-gaadhka ah iyo CabdiQasab Cuudu-bilaah.
Asqaboodka ururay iyo Suudi kursi rabay.
Jeegaanta laba Jubiyo iyo Barrii baacsade Moorgan.
B.B sadex Shaati-guduud, laba madoobe iyo Xaabsade xiiqsan.
SSRC, iimaan laawe-yaal ururay, Fabi-ayi xadiisu bacda uun yuuminuun, iyo Odaygii Soomaali ku shakhraan oo ay weheliyaan. Mr.Isbaaro ku akaakow iyo madax ku mayiikoole, iyo boob ku birisidhaan iyo jujuub jago ku doon, qaf-qafle qaran-qaran doon, gobanimo ga-gabshe, Birisidhaan bagteeriyo, beeshiisa ku baaster, reerkooda la roor-roor, damaaci ku daandaan, Mr. dhagar qabe dhego male, Mr. Xasuuq maagane, Mr. Dib u heshiin ku dul meer, shir dusleeyo, Barafasoor fayris, Mr. Xal dayday xaaraami, Mr, Kiiniya ku dul-bakhti, ergi agagaa iyo ina Soomaali ku sahwi.
Dawladda Kiiniya oo sannad iyo badh foolanaysay dawlad yar oo ay u dhasho Soomaaliya, ayaa sheegtay in hadeer ay fooshu ka dhawdahay oo ay dhalayso dawlad yar oo Af-Sawaaxiliga taqaan oo la yidhaahdo; “SAXJUU GOFARMENT” dawladaas yar waxa u sii milikhsanaya labada geb-geble ee CabdiQasab iyo Cabdillaahi Beerloox, shirkiina wuxuu ku sii socdaa halkii laysku qabsan jiray ama halkii ay ka jabi jirtay talada Somaali sawt.

Qolyahan shiraya ayaa la sheegay in lagu yidhi dawla egesbaayirkeedu yahay shan sannadood baa laydiin samaynayaa haddii aad sancadeeda garan waydaan, orda oo raggaas reer Shankaroon waxa tidhaahdaan sibinaar noo qabta oo na barra sida dawlad daasad looga sameeyo (Qaabka Qaran Istaragshanka la yidhaa).

Ciyaar
Ciyaalka Shankaroonland ayaa bahal gool ah ku libdhisay Itoobiyaan cadalool uga yimi caradoodii, goolkaas waxa gunta ka waraabiyay wiil reer Shankaroon ah oo gooldhalinta gaal ku ah oo magac bahal leh oo la yidhaa “Daanyeero”.
Weriyaha garoonka nooga soo warama ayaa yidhi: “Darbatul-Xilwa aakhiru daqiiqa, difaacul xabash, xarfa marmul muquunin, aayar laad ku tuwaalin, madax ku dabaalid, dambaabidh, ku dadab midaan laba arag ooooo..Ooo afaafka ka gelin, mushaahidiin maanta, Shankaroon wan hadaf, Itoobiya laa shay.”

Waa markii u horeysay ee Xabashi ciyaar-ciyaar u timaado Shankaroonta, waxaana laga yaabbaa inay qayb ka tahay xidhiidhka durunawga labada dal.
Gabay;

Islaan heestay baa tidhi
Jacayl aydhis baa dhiba,
Ubadkana agoonimo
Odayana xil baa dhiba,
Anigana ilaaqtan iyo
In buurran bay dhiba.
Afar halo o akaako ah
Asqo iyo waxyeelo ah,
Oo aan Eebbe ina badin
Aganaan la yaabbaa.
Caasimad ilkaa joogtoo
Dawladii ku idishay
Injineer biyooliyo
Aqoonyahano joogaan,
Maayar udub-ku soo diray
Dadweynuhu aaminay,
Ab duuleeyay lays yidhi
Odayaal degaan iyo
Af-miishaaro joogaan,
Wakaalado aroorkiyo
Ina hebelba ceel jiro,
Waxa oonka daba dhigay
Haraadkana ku aabudhay,
Looga aamusayaan
Allaylehe la yaabbaa.

Ciidamada abaabulan
Aalamaanka laba dhacayiyo,
Agabkii dagaalada iyo
Af-castiiba lagu raray,
Gaadhiyaal af-dhaadheer
Amikaarka guuxaayee,
Bari loo agaasimaye
Adhi-cadaysba dhaafaynbaan,
Iyadana la yaabaa.

BAarlamaankan Awdalane
Iibsaday gawaadhida,
Egesbaayiriintee
Axdi beelo-beeleed,
Eexada ku wada yimi
Ogolaynna dabadood
Adhigooda doontaan
Iyo xukuumad elegsan
Intikhaabka lagu xulay,
Waxa laysu eegtaan
Iyadana la yaabaa.

Nin amaahday ragganimo
Is amaanay keligii,
In yar dhawra nagu yidhi
Waxay ku andacoon baan,
Iyadana la yaabbay.
SUXUFIGU
WAA SAAXIIBKA DADWEYANAHA

To: Raadiyow Maqaloocshe, iyo Barnaamijka Dooda Kuma Kee Suxufi
Horta marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda shaqaalaha wergeyska haatuf guud ahaan , gaar ahaana soo saaraha barnaamijka raadyow ma qaloocshe Axmed Cali Garas (maqaloocshe arts)

Intaa ka bacdi, run ahaantii intaanan dhiiban aragtidayda ku waajahan dooda kuma! kee! waxaan jeclaystay inaan is kiin baro, marka hore aniga magacayga waxaa la yidhaahdaa Maxamed C/laahi Diiriye waxaanan hada joogaa magaalada Burco balse waxaan ahay nin caalamka wax badan ka soo arkay suxufiyiin badana la soo kulmay balse aan marna is ku dayin inuu suxufi noqdo ama qoraa sababtoo ah waanan jeclayn shaqadaa oo way hawl badan tahay inkastoo aan weli dugsigii sare ku jiro, hadana kuma jirto maskaxdayda inaan suxufi noqdo waayo? waxaan rabaa inaan noqdo PILOT ama ENGINEER wax yaabaha kale ee aan xiiseeyo waxaa ka mid ah SAWIRKA (Arts-ka) ama (drawing-ka) oo ka mid ah waxyaabaha aan xiiseeyo wakhtiga fasaxana aan kaga faa'iidaysto.

Aan ku soo noqdo dulucda qoraalkayga oo ah aragtida aan ka qabo SUXUFI, waxaan doonayaa inaan halkan ku soo bandhigo suxufigu kuu yahay amaba suxufiga runta ah.

Waana tan: -

Suxufi oo ah wariye waa qofka soo ururiya soo qora soo akhriya isku soo duba rida soona ban dhiga warka.

Suxufi waa qof ka mid ah bulshada oo aan la takoori karin la yasi karin la iska eegi karin waxna loo dhimi karin qofnimadiisa.

Suxufi waa qof tacliin leh iyo qoraaga sheekooyin xiiso leh dadkana kaga qosliya inta badan sida (A.A.Garas).

Suxufi waa qof INTERNATIONAL ah (u siman caalamka) dalkuu doonana tegi kara.
Suxufi waa qofka naftiisa u huraya sidii uu bulshada inteeda kale warka u gaadhsiin lahaa.

Fulay maaha oo xabada oo dhacaysa ayuu Ciraaq iyo Falastiin ka soo waramayaa.
Qof jiljilicsan maaha oo laga adkaan karo ee waa qof inta badan ad adag taasaana u sababa in suxufiinta raga ahi ay tiro ahaan ka bataan kuwa dumarka ah.
Maaha qof dabeecad xun sidaa daraadeed waa saaxiibka bulshada uu warka ka helayo noocay doonto iyo tayaday doonto ha lahaatee.

Waa aftahan luuqada uu sitana (ku hadlayana) aad ayuu u garanayaa.

Suxufiga dhabta ahi runta ayuu jecelyahay kuna dhaqmaa, beentana wuu necebyahay kana fogaadaa sidaa daraadeed ma qoro war been ah mana jecla in bulshada uu warka u tebinayo inuu warar been ah gaadhsiiyo.

Aan soo koobee SUXUFIGU waa shakhsiyad aad u wanaagsan loona baahan yahay debecsanaan oo soo jiita indhaha ama dhegaha daawadayaashiisa, dhegeystayaashiisa, iyo akhristayaashiisa sidaa daraadeed suxufigu waa saaxiibka dadweynaha.

Allaa mahad leh
Maxamed C/Laahi Diiriye
Maxamed Yare Arts
Burco

Top


Burburkii Midowgii Soomaaliyeed Iyo Raadka Uu Kaga Tegay Koonfurta Somaliya
Saxardiid Cali Madoobe
Q: 9aad

Inkasta oo ajandaha shirka kenya uu gaar u yahay dib u heshiisiinta ummada Somaliya oo aanay Somaliland ka qayb gelin iyadoo aan qorshihii hore ee talogalkiisa iyo go’aamadiisa dambe ee ka soo baxa toona aanay waxba ka khusayn ayay haddana qabqablayaasha dagaal ee Somaliya caado u noqotay in markay ummaddoodii dabkaa ka bakhtiyi la’ geliyeen, isla markaana adduunka oo dhami kala caalwaayay dib u heshiisiin ay tusmadii gurigooda ee ay gacantooda ku dumiyeen dhismaheeda dib ugu yabyabtaan ay guul daradooda kula soo galgashaan, taladii dalkiisa iyo dadkiisana si buuxda u xasladay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada gooni isu-taaga ee ay Somaliland madax banaanideeda dib ugula soo noqotay waa mid taladeedu ka soo fushay go’aan ummaddeed oo aan ka noqosho iyo gorgortan cid lagala galo midna lahayn. iyadoo qadiyadaha Somaliya iyo Somaliland labadaa wadci ee sidaa u kala duwan kala leeyihiin ayaa haddana bayaankii lagu faafiyay go’aanka la sheegay in 5/7/2003 shirka Kenya la iskula gaadhay qaranka Somaliland lagu soo darsaday qorshaha loogu talogalay tusmada qaab dhismeedka dawladda cusub oo lagu sheegay in Somaliland noqon doonto gobol ka tirsan midowga Federaalka Somaliya ee halkaa lagu dhisi doono.

Sidaa darteed, ayaa muddadii u dhaxaysay 9 ilaa 16 July 2003 ay saddexda gole qaran, saddexda xisbi qaran iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsho-waynta Somaliland ka taagan tahay go’aanka ka soo yeedhay shirka reer Koonfureed ee Kenya ee aan qorshayaasha ajandihii hore iyo go’aan kasta oo ka soo baxaa aanu sinaba u khusayn Jamnhuuriyada Somaliland ay soo wada saareen madaxweynihii dawladda Carta, C/qaasim Salaad ayaa 29/7/2003 Nairobi kaga dhawaaqay ka socday isagoo dawladdaha IGAD ee ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya ku eedeeyay in ay shirka marin habaabiyeen, maamulkii taladiisana ay ayagu haystaan oo aan Soomaalidii shirku khusaynayay wax talo ah ku lahayn. Ergadii shirka uga qayb qashay dawladda Carta oo ay hogaaminayeen ra’iisal wasaarihii iyo gudoomiyihii baalamaanka ee dawladdii Carta ayagu go’aanka C/qaasim shirka kaga baxay way ku gacan saydheen, ka qayb galkii shirkana sidoodii ayay u sii wateen, waxa kale oo iyana jirtay in muddadii saddexda sanadood ahayd ee dawladii Carta xilka loogu doortay ay kaga dhamaanayso 13 Ogost 2003, taas oo ka dhigan in taariikhda uu C/qaasim shirka ka baxay iyo muddadu xilku ka dhamaanayo ay laba todobaad oo keli ahi u dhexeeyeen. Mar arrintaa wax laga waydiiyay C/qaasim waxa uu sheegay in dastuurkii lixdankii ee Somaliya uu xaq u siinayo in dawladiisu xilka hayn doonto inta laga helayo baarlamaan iyo dawlad cusub oo si dimuqraadi ah oo lagu heshiis yahay loo soo doortay. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in ilaa inta dawlad loo dhan yahay oo xilka kala wareegta la helayo ay dawladiisu shaqayn doonto, isla markaana maamulkiisu ku talo jiro in uu shirwayne Somaliyeed oo loo dhan yahay dalka gudihiisa ku qabto mustaqbalka dhow.

Tallaabadan C/qaasim ku dhaqaaqay waxay si cad u muujinaysaa khilaafka damac ee baaxada wayn ee ka dhex oogan madasha shirka Kenya, waxaanay horseed u tahay tallaabooyin la mid ah o ay qaar kale oo hogaamiye kooxeedyada madasha ku sii hadhsan ka mid ihina ay sidii tusbax furmay shirka si isdaba joog ah ugu soo fagmi doonaan. Si kastaba ha ahaatee, qodobka ugu wayn ee C/qaasim u cuskaday ka bixitaankiisa shirku waxay ahayd isagooo ku andacoonaya in ka maqnaanshaha shirka ee Somaliland tahay arrin aan suurogal ahayn oo ay lagama maarmaan tahay in shirka ka soo qayb galaan oo haddii madaxda maamulkeedu diidaan hogaamiye dhaqameedyada iyo bulshada kale ee rayidka ah ee beelaha Somaliland laga soo qayb geliyo shirka. Dawladdo ka mid ah hawl wadeenada shirka ee IGAD iyo dawladdo kale oo adduunka ka tirsan ayuu C/qaasim ku eedeeyay inay midnimadii Somaliya burburinayaan oo gobolladii dalkeedana dawladdo yar yar u kala googaynayaan. Aragtida caynkaas ah waxa C/qaasim si toos ah ugu taageeray dawladaha Masar iyo Talyaaniga oo shir gudoonka IGAD ku cadaadiyay in Somaliland shirka la keeno oo inta maamulkeeda ama bulsho-waynteeda kaleba ka soo qayb galayaan shirka la hakiyo. Arrintaasi waxay sababtay in gudoomiyaha shirka Kenya Mr: Kipligat uu 2/8/2003 bayaan ku soo saaro inay si degdeg ah Somaliland ugu dirayaan wafti kala soo xaajooda siday shirka uga soo qay geli lahaayeen. Dawladda Somaliland ayaa 3/8/2003 soo saarta bayaan ay dhawaaqa Kipligat kaga jawaabayso oo ay ku cadaynayso sida aan shirkaasi u khusayn ee aanay ugana soo qayb galaynin siday horeba cid walba ugu wargeliyeen in aan Somaliland laga soo dhowayn doonin waftiga la sheegay in arrimaha shirka dartood loogu soo dirayo.

Hogaamiye Kooxeedka la yidhaa Muuse Suudi Yalaxow ayaa 7/8/2003 magaalada Nairobi kaga dhawaaqay in uu si rasmi ah uga baxay shirka dib u heshiisiinta Somaliya ee Kenya ka socda, isagoo qawadkiisa ka sokow ku dooday in ay wax walba ka horayso heshiisiinta hogaamiye kooxeedyada shirka wada fadhiya oo mushkiladaha colaadeed ee loo maaro waayay ayagii ay ka dhaxaysay aanay ka heshiin oo ay wali colaadii sidii u dhex miranayso oo qaarkood ilaa maanta ciidamadoodii dagaal ka dhex socdo. Waxa kale oo uu sheegay in uu aragtida majaraha shirka Kenya kala mawqif yahay C/qaasim Salaad,waxaanu Muuse tibaaxay in uu si buuxda u raacsan yahay qabashada shirwayne dib u heshiisiineed oo ka dhaca dalka gudihiisa oo si dhaqso ah loo qabto.

Hogaamiye Kooxeedka kale ee Cismaan Cali Caato ayaa isna isla maalintaa sheegay in uu mawqifka Muuse Suudi raacsan yahay oo hadaan qaabka hawlaha shirku u socdaan wax laga bedelin uu isaguna si dhaqso ah shirkauga bixi doono, muddo yar ka dibna wuu ka soo baxay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta in hogaamiye kooxeedyada iyo ergooyinka beelaha ee shirka Kenya ka qayb galay ay badidoodu soo jeediyeen in caasimada Somaliya laga bedelo Muqdisho oo mid ka mid ah magaalooyinka kale ee ku yaala gobollada nabadu ka jirto ee dalka loo raro, iyadoo magaalada Xamar noqotay saddex xagalkii barmuuda ee wax walba liqaysay oo aan xarun dawladdeed dib loogu aaminayn. Arritnaasi waxay si wayn uga cadhaysiisay hogaamiye kooxeedyadii Hawiye intoodii badnayd oo u wada arkaya in caasimadnimada Muqdisho tahay arrinta ay mucaarid iyo muxaafidkoodaba ku kasbeen awoodda baan iyo miisaanka culus ee siyaasadeed ee qabqablayaasha Hawiye oo dhami tixgelinta gaarka ah ugu yeesheen saaxada hogaanka talada dalka Somaliya. Iyada oo dadweynaha beeshaasi oo dhami arkaya in haddii magaalo madaxda magaaladoodu ka lumayso, miisaankii siyaasadeed ee lagu tixgelinayay meesha ka baxayo oo arrinkooda iyo talladoodaba sidaa lagaga dul guuri doono, darteed ayay dhamaan qabqablayaashoodu ugu midaysan yihiin siday u wada ilaashan lahaayeen. Sidaa darteed, qodobka ugu wayn ee qabqablayaasha Hawiye diidmadiisa isku raacsan yihiin ee kuwa ilaa hadda ka baxayna kaga tageen, kuwa wali sii joogaana ay haddii shirka intiisa kale ku adkaystaan oo la joojin waayo ay hubaal tahay inay ayana shirka kaga dareeri doonaan waa Xamar ka rarida caasimada oo beelaha kale ee Somaliya oo dhami waqtigan isku wada raacsan yihiin si adagna ugu dhegan yihiin.

La soco.

Top


Qaramada Midoobay Oo Dalbaday In Deg-deg Loo Sii Daayo Hawl-wadeen Lagaga Af-duubay Koonfurta Somalia

Nairobi, Feb 3, 2004 (Haatuf) – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday maleeyshiyada Koonfurta Soomaaliya inay si deg deg ah u sii daayaan mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo todobaadkii tegay lagu Afduubay gobolka Jubada Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Nayroobi oo uu wargeyska Haatuf u soo marisay qalabka is gaadhsiinta internet-ka Mrs. Sandra Macharia oo ah sarkaallada warfaafinta ee UNDP. Ninkaas la afduubay oo u dhashay dalka Jarmalka, magaciisana la yidhaahdo Mr. Rolf Helmrich, waxay 29 January maleeshiyo hubaysani ka afduubeen gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

War saxaafadeed uu shalay ka soo saaray Nairobi Mr. Maxwell Gaylard oo ah xidhiidhiyaha arrimaha bani-aadamka iyo ammaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku canbaareeyey ficilada ay maleeshiyadaasi ku afduubeen ninkaas, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay si deg deg ah u sii daayaan masuulkaas, iyagoo aan wax shuruud ah ku xidhin.

Mr. Maxwell wuxu ugu baaqay maleeshiyooyinka inay la shaqeeyaan maamulada Soomaaliya ee raadinaya inay wax ka qabtaan sii daynta Mr: Helmrich oo bed qaba, isla markaana wuxuu u soo jeediyay maleeshiyooyinka inaanay dib u dhac ku keenin sidii nabad si dhaqso ah looga gaadhi lahaa xaalada taagan. Mr. Gaylard waxa uu sheegay inay arrintan afuubku tahay mid sa gaar ah nasiib daro u ah inay dhacdo, xili ay Soomaalidu u dhaqaaqayeen dhinaca nabada iyo dib u heshiisiinta, taas oo ay fududeynaysay kaalmada ay ka helayaan beesha caalamka, wuxuuna intaa ku daray inay ninkan la afduubay Mr. Helmrich iyo asxaabtiisa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah oo dhamaantood si aan ka daalis lahayn uga shaqaynayaan sidii ummadda Soomaaliyeed loogu heli lahaa mustaqbal wanaagsan.

Top


Tirada Xujaajta Ku Dhimatay Caqaba Oo Gaadhay 251 Qof Iyo Dalalka Ay U Dhasheen
Boqor Fahad Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Dib Loogu Dhisayo Xaramaynka

Maka AL-Mukarama 03. Feb. 2004 (W. Wararka) Masuuliyiinta dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in tirada xujaajta ku dhimatay dhulka barakaysan ay gaadhay 251 qof, ka dib markii ay dhinteen todoba ka mid ah dadkii ku dhawaacmay Dhagax tuurka Caqaba maalintii doraad oo markii hore ay tiradoodu ahayd 244 qof.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga dadka dhintay waxay u badan yihiin Indoonisiyiin iyo Bakistaaniyiin, ayna ka mid yihiin laba qof oo Somali ahi, tiro koobka ay soo saartay wasaaraddu waxa uu sheegay in dadka dhintay ay kala yihiin sidan:

Indonesia: 54 qof
Bakistan: 36 qof
Masar: 13 qof
Turkiga: 11 qof
Hindiya: 11 qof
Al-jeriya: 10 qof
Bangledish: 10 qof
Sudan: 8 qof
Morocco: 7 qof
Shinaha: 5 qof
Yemen: 4 qof
Siralanka: 3 qof
Sucudiga: 2 qof
Suriya: 2 qof
Somaliya: 2 qof
Afganistan: 2 qof
Tunisiya: 1 qof
Cumin: 1 qof
Purma: 1 qof
Najeria: 1 qof
Jaad: 1 qof
Komoruun: 1 qof.

Sidoo kale, waxa jira dad lagu qiyaasay 58 qof oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsanin meelaha ay u kala dhasheen, kuwaas oo ay baadhayaan ciidamada amaanka ee Sucuudigu.

Inkastoo ay dhacday dhimashadaasi haddana xujaajtu waxa ay sii wataan gudashada xajka gaar ahaan rugniga dhagax tuurka oo ah saddex maalmood, taas oo si caadi ah u socota, iyadoo ay ciidamada amaanka ee Sucuudigu adkeeyeen amaanka xujaajta iyo nidaaminta habka gudashada waajibaadkiisa.

Dhacdadaasi naxdinta leh ka dib boqorka sucuudiga boqor fahad binu c/casiis ayaa ku dhawaaqay qorshe balaadhan oo lagu hore marinayo goobaha barakaysan ee maka iyo Madiina 20-ka sanadood ee soo socda isaga oo boqorku magacaabay gudi qaran oo arrintaasi qaabilsan kuwaasoo yeelan doona miisaaniyad gaar ah, si looga hor tago hdibaatooyinka ka dhaca Xajka. Xilliga sheydaanka tuurka oo ah xilliga ugu khatarta badan ayey dawladda Sacuudigu bishii hore ku dhawaaqday istraatiijiyad isku xidhan oo lagu xakamaynayo dadka faraha badan si looga samatabaxo musiibooyin keena dhimasho inta uu socdo xilliga xajka.

Dadka xujaajta ah waxaa koox-koox loogu soo sii deynayaa buundada labada dabaq ah, iyadoo la xadeynayo tirada markiiba la soo deyn karo, ciidamo khaas ahna meesha ayaa si deg-deg ah loogu soo fasaxaa si ay dadka u kala ceydhiyaan haddii uu yimaado is-jiidh jiidh.

Dadka ehlu diinka ahna waxaa loo sheegaa in ay dhaqso meesha iskaga tagaan marka ay dhammaystaan dhagax tuurkooda, si markaas loola tacaali karo samatabixinta xujeyda ama suuxda amaba meesha ka soo bixi kari weyda cirdhidhiga dartiis.

Dhaq-dhaqaaqa xujeyda waxaa sidoo kale lagala socdaa shaashad telefishan oo loogu talo galay.

Sannadkii hore 14 xujey ah ayaa ku dhimatay maalintii koowaad ee dhagax tuurka, 35-na waxay dhinteen sannadkii 2001-dii isla goobtan, laakiin sannadkii 1998-dii xajka waxaa ku dhimatay 118 qof iyadoo 180 kalena ku dhaawacmeen isla goobta dhagax tuurka.

Waxaa intaasi weheliya in 58 qof oo kale oo xujeyda ka mid ahayd oo dhimatay la garan waayey dhalashadooda sida lagu muujiyey liiskaasi inkastoo haddana la sheegay in saddex ka mid ahi ay yihiin dad ka soo jeeda xagga koofur-bari qaaradda Aasiya.

Wasiirka Xajka ee dawladda Sacuudigu wuxuu sheegay in tirada dadka xujeyda ee lagu talo galay oo ilaa laba milyan ahayd ay sannadkan aad uga badnaayeen tiradaasi, waayo waxaa jiray buu yidhi tiro badan oo xujey ah oo u yimid cumro dabadeedna iska sii joogeen ilaa xajka, taasoo xad dhaaf ka dhigtay tirada xujeyda.

Wasiirku wuxuu sheegay in 2000 oo ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka lagu biiriyey hawlgalkii la isku dayayey in wax lagaga qabto jiidh-jiidhkii socday si ay u xoojiyaan ilaa 10,000 oo kale oo boolis ah oo hawsha hore ugu jirtay.

Inkastoo ay dhacday dhibaatadaasi ay dadka badan ku dhinteen ee dadka lagu tuntay, haddana gelinkii dambe ee Axaddii waxay hawshu u socotay sidii caadiga ahayd.

Dadku waxay ku qeylinayeen Allaahu Akbar iyagoo toddoba dhagax oo yar-yar uu xaaji kasta tuurayey isagoo jooga dibadda weegaar yar amaba buundo xaggeeda sare looga sameeyey, hawshaasi oo soconaysa saddex maalmood, waxaana dhagaxdaas lagu tuuraa mid kasta oo ka mid ah tiirar shub ah oo dhererkoodu dhan yahay 18 mitir, kuwaasoo calaamad u ah sheydaanka.

Tiirarkan u taagan sheydaanka waxay isu jiraan 155 mitir, inta badanna xaaladda dadka halkan waa la ilaaliyaa waayo dadka oo dhan waxay isku dayayaan in ay aad ugu soo dhawaadan tiirarka si ay dhagaxa si fiican ugu dhuftaan.
Sida ay diintu qabto, sheydaanku waxa uu isla goobtan kaga soo baxay Nebi Ibraahim, wiilkiisii Ismaaciil iyo xaaskiisii , iyagoo sheydaanka ku tuuray min toddoba dhagax.

Inkastoo ay dhibaatadani dhacday haddana, xujeydu si caadi ah ayey waajibaadka xajkooda u sii wateen gelinkii dambe ee shalay.

Labadii maalmood ee ka horreysay shalay waxay xujeydu hawshoodu ku guteen si nabad ah iyadoo ammaankana si weyn loo ilaalinayey, laakiin haddana maamulka Sacuudigu waxay sheegeen in ay magaalada Riyaad ka soo qabqabteen maalintii Khamiistii toddoba nin oo la rumaysan yahay in ay ka tirsanaayeen koox argagaxiso ah oo qorsheynayey weeraro.

Dhimashadii ugu darnayd ee ka dhacda Xajka waxay ahayd bishii Luulyo ee sannadkii 1990, goortaaso ay ku dhinteen 1426 qof kuwaasoo is-dardaray qaarna ay neef qabatoobeen ilaa ay dhinteen gudaha buundada Mina ee laga hoos duso. Dhimashooyin kale oo uu sababay dab ayaa iyaguna jiray oo xajka ka dhacday.
Ilaa intii uu xukunka Sacuudigu qabtay Boqor Fahad sannadkii 1982, isla markaana uu qaatay magaca ah u adeegaha labada xaram ee Barakaysan ee Maka iyo Medina, waxay dawladda Sacuudigu bixisay ilaa 27 bilyan oo doollar si loo ballaadhiyo goobahaasi barakaysan ee sannad kastana soo jiita malaayiin dad ah in ay yimaadaan.

Top


Bush Oo Ogolaaday Inuu Magacaabo Gudi Soo Baadha Qabsashadii Ciraaq

Washington 03 Feb.2004 (W.Wararka) Mareykanka ayaa sheegaya in Bush uu go'aansadey in la sameeyo guddi gaar ah oo soo baadha sirdoonkii la isticmaaley dagaalkii Ciraaq.

Ka dib markii uu ninkii madaxda ka ahaa guddigii uu Bush u xilsaarey baadhista hubka Ciraaq, Mr David Kay uu sheegey inuuna u maleeneyn in Ciraaq uu yaallo hubka sida daran wax u gumaada, ayaa waxa maalmihii ina dhaafey bilaabmey caddaadis weyn oo Maamulka Bush looga doonayo in la ogolaado abuurista guddi gaar ah oo amuurtan soo faaqida.

Bush oo markii hore diidanaa baadhitaanka noocaas ah ayaa haatan cadaadiskani ogolaysiiiyey.

Waxa Bush caddaadisku kagu yimid mudanaasha kongreska oo ay u dhan yihiin xubnaha xisbiga Dimuqraadiga iyo kan Jamhuuriga.

Warar laga soo xigtey Aqalka Cad ayaa sheegey in guddiga arintan loo xulayo uu noqon doono mid la nooc ah guddigii la odhan jirey Warran Commission ee lixdameeyihii loo sameeyey inuu baadho dilkii Madaxweyne John F. Kennedy.
Waxaana uu guddigani cusub ka koobnaan doonaa sagaal xubnood oo ka kala socda mudanayaal ka tirsan Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga iyo khubaro ka baxsan dawladda Bush.

Aqalka Cad kama aanu hadlin wakhtiga uu guddigani soo bandhigi doono natiijooyinka baadhitaankooda, laakiin waxa Washington si weyn looga rumeysanyahay in hawsha guddigani ay dhammaan doonto sanadka dambe ee 2005ta.

Taasi waxa macnaheedu yahay iney u egtahay inuu Bush isku dayayo in arinkan uu ka hortago inuu noqdo mawduuc doorashada saameeyn ku yeesha.

Inkastoo arimaha la xidhiidha hubka khatarta leh ee laga sheegey Ciraaq ay yihiin kuwa dhaawac weyn u geysan kara siyaasadda Madaxweyne Bush, haddana Bush weligii sababaha uu dagaalka Ciraaq ugu qaadey kuma simin iney yihiin kuwa ku eg hubka kaliya, dadka Mareykanka intooda badanna Bush wey ku taageersan yihiin in Saddam laga fara maroojiyey awooddii uu Ciraaq ku heystey.

Si kastaba ha ahaatee, mar haddii natiijooyinka baadhitaankani aaney soo baxeyn inta ka horeysa sanadka soo socda, haatan Bush meel ayuu iskaga xidhi karaa walaac arintan, waxana uu si miyir qab leh ugu diyaargaroobi karaa doorshada Madaxweyninimada oo sagaal bilood ay naga xigto, taas oo shicibka Mareykanku ay ku go'aansan doonaan in Bush uu istaahilo inuu Aqalka Cad sii joogo afarta sano ee soo socota iyo in kale.

Top


Khabiirkii Nukliyeerka Pakistan
Oo Lagu Eedeeyey Inuu Sir Bixiyey

Islamabad 03, Feb, 2004 (W.Wararka) Warbaahinta Pakistan ayaa sheegtey in ninkii dalkaasi u sameeyey Atoomik Bamka oo la yidhaa Abdulkadir Khan uu sirtii Nukliyarka siiyey waddamo kale.

Wali ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya in Abdulkadir Khan uu qirtey bixinta sirtaas, laakiin wargeysyo badan oo ka soo baxa Pakistan oo aan sheegin cidda ay warka ka heleen ayaa qorey in hadalkaasi uu run yahay.

Waxa wargeysyadaasi ay qoreen, in ka dib markii si daran su'aalo loo weydiiyey uu Abdulkadir Khan uu qirtey in sirtii Nukliyarka Pakista uu u gudbiyey dalalka ay ka mid yihiin Iran, Libya iyo Korea-da Woqooyi.

Ma kala cadda in warbixintan ku saabsan sirta Nukliyarka ee loo gudbiyey dalalkaasi ay tahay mid ku saabsan aqoonta sida Nukliyarka loo sameeyo ama waxa la bixiyey ay ku siman yihiin qalabka loo adeegsado sameeynta hubkaas.
Laakiin baadhitaanka ay qaadey dawladda Pakistan waxa uu eegayey eedeymo ku saabsan in dalalka Iran iyo Libya markii ay ugu yaraadaan ay Pakistan ka heleen qalab ama dukuminti ka saacida dhisidda hubka khatarta ah ee laga sameeyo maadada Yureeniyamka.

Eedeymaha ku saabsan in Pakistan ay Korea-da Woqooyi u dusisey sirta Nukliyarka waa mid sanooyinkii dambe oo dhan la hadal hayey.

Wararkan cusub waxa ay soo baxeen, ka dib markii Sabtidii ay shireen saraakiisha sare ee gacanta ku haya awoodda Nukliyeerka Pakistan oo uu gudoomiye u yahay madaxweyne Musharraf.

Shirkaas ayaa lagu go'aanshey in Abdulkadir Khan laga xayuubiyo xilkii uu dawladda u hayey ee uu ku ahaa La taliyaha dalwadda Pakistan ee dhinaca Seyniska.

Haddii la xaqiijiyo waxa ay warbaahintu shaacisey, waxa masuuliinta Pakistan ay go'aan ka gaadhi doontaa in Mr Khan maxkamad la soo saaro iyo in kale.
Taasina waxa ay dawladda Pakistan ku noqon doontaa tallaabo halis ah, laakiin waa arin u muuqta waxa aan la baajin karin.

Abdulkadir Khan waxa uu dalka Pakistan ka yahay geesi qaran, wixii tallaabo ah ee isaga ku lid ahina waxa ay Musharraf u keeni kartaa gadood dalka gudihiisa kaga yimaadda iyo shicibka oo ku kaca.

Laakiin eedeymaha la xidhiidha faafinta hubka khatarta oo adduunka looga arko inuu yahay mawduuc halis darteed, ayaanay Pakisan u suurtagaleyn iney u muuqato mid ka laba labeeneysa xayiraadda hubkaasi.

Top


Boqor Buur Madaw Sharciguna Wuu Qaban Karaa Xeerka Dhaqankana Waa Lagu Sii Dayn Karaa
Dawladda Waxaanu Ka Codsanaynaa Inay Sii Dayso Boqor Cismaan
Bayaan
Qore: Cumar Maxamuud Nimcaale

Waxaan isku qanciyay in ay daw tahay in laba maqaal oo Jamhuuriya ku soo baxay 2/2/04 bogga fariimaha akhristayaasha in aan ra’yigayga ka soo jeediyo.

Ugu horayn, adduunka oo dhami, gaal iyo islaamkaba wuxuu leeyahay qaynuun iyo sharci lagu sugo nabadgelyada wadankaa, ilaaliyana shacbigu nabadgelyada iyo jiritaanka wadanka. Waa in aan ogaannaa ama wadanka gudihiisa jooga ama dibedaba ka jooga oo sharcigu qof kastaba qabanayo, darajadiisu wax kasta ha ahaatee, sharci ergo daba socotaana sharci noqon maayo.

Labada maqaal ee aan goostay inaan ka jawaabo mid waxa soo qoray niman jooga UK (England), ka kalena waxa soo qoray nin la yidhaahdo Maxamed Sagax oo jooga Hargeysa.

Haddii aan ka hadlo qolodaa Uk ama dhawaanahanba lagu soo qorey jaraa’idka “Boqorka si degdeg ah ha loo sii daayo”, waxa caqliga caadiga ahi garanayaa in dalna jirayn, magaalooyinkana sidaa loo taxaashayn haddii qofkii la xidho markiiba lagu sii daynayo jaraa’id lagu qoray, qofkaa degdeg ha loo sii daayo sida adduunkoo dhan ka dhacda waa arrintaas oo kale dawladda iyo cidda sharciga u xilsaaran ayaa loo daayaa. Sharcigu wuxuu dhigayaa inaan qofna lagu hayn karayn saldhig bileys (Police Station) wax ka badan 48 sacaadood, waa in lagu sii daayaa damaanad ama degdeg loo horgeeyaa Maxkamad. Laakiin bileysku Boqorka maxkamad ayuu horgeeyey, waxa loo baahan yahay oo daw ah in Maxkamadu si degdeg ah arrinta u gudo gashaa. Boqorkuna wuxuu xaq u leeyahay inuu qabsado Lawyar, sharciga adduunku sidaa ayuu ku kala socdaa, adduunku wuu inala yaabayaa marka ay arkaan jaraa’idka oo lagu amrayo dawladda inay cid la xidhay degdeg u sii dayso haddii kale wax baa si noqonaya. Arrinkaasi ma aha mid adduunka tusaya inaan ictiraaf u qalanno.

Marka aan u soo noqdo maqaalka uu qoray Maxamed Sagax, waxaan u arkaa maqaalkaa mid aad iyo aad u fiican oo aan dawladda iyo boqorka midna dhinac saarin, waa qoraal caafimaad qaba oo talo fiican bixinaya oo macquul ah, waana mid aan taageero buuxda siinayo. mid sharcigana waafaqsan Xeerka iyo Dhaqankana aan ka tagayn.

Anigu waxaan qabaa, maadaama uu boqorku huwan yahay sharafii madax dhaqameedka ummada Somaliland in sharciga dalka ee loogu haysto inuu jebiyey loogu bedelo xeerkeena dhaqanka oo la sii daayo. Waxa wanaagsanayd halka jaraa’idka lagu qorayo wax, in ay guddi madax dhaqameedyo ahi u tagaan madaxweynaha oo ay yidhaahdaan boqorka ha lagu sii daayo Xeer Madax Dhaqameed.

Cumar Maxamuud Nimcaale
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga.

Top


Waxaanu Ka Soo Hor-Jeednaa Fara-Gelinta Maamulka C/Laahi Yuusuf
Baaq – Qurba-Jooga Reer Sanaag

Anaga oo ah odayaasha iyo wax garadka hoos ku qoran, kana soo jeeda beesha boqor Cismaan Aw-Maxamud (Buurmadow), waxaanu halkan ku cadaynaynaa mawqifkayaga ku wajahan xadhiga boqor Cismaan Aw-Maxamud (Buurmadow).

= Waxaanu taageersanahay gooni isu taagga iyo madax banaanida Somaliland.

= Xadhiga boqor Cismaan lagu fuliyey waxaanu u aragnaa arin khal-khal gelin karta nabadgelyada dalka.

= Waxaane kale oo cadaynayaa inuu yahay boqor jira oo aanay cid gaar ahaaneed oo xilka ka qaadi kartaa.

= Ugu dambayna waxaanu dawladda Somaliland ka codsanaynaa inay boqorka u sii dayso sida ugu dhakhsaha badan.

Magacyada
Chief caaqil Yuusuf Cali Jibriil
Xuseen Aw-Nuux
Faarax Xirsi Diiriye
Ayaanle Salaad Diiriye
C/laahi Cashuur Cawed
Eng. Faarax Ciise Warsame
Ibraahin Axmed Ismaaciil

Top


Boqor Cismaan Ma Xadhig Buu Mutaystay Mise Qadarin Dheeraada?

Mudane madaxweyne hawlo badan oo ay dawladdu ku fashilmi lahayd ayuu boqorkani naftiisa iyo maalkiisa u huray, markii Somaliland oo qaran dawladdiisu dhisan tahay ah ay dalkeena gobollo ka mid ah ka dhacaysay inay saamayso fowdadii iyo qalalaasihii ka jiray wadan kale, oo rayi’caamka ku noqotay waxba la’aan, dawladdeena iyo mucaaridkana u ahayd dhaliisha keliya iyo galdaloolada dhabta ah ee ay la hiishadan dawladda ka dhisan wadankan, boqorka yari waa ka inaga asturay kuna isticmaalay hantidiisa gaar ahaaneed, taas oo ahayd arrin sumcad ay Somaliland Caalamka kaga heshay.

Taa lama odhan karo waa siyaasad kale oon ahayn wadaniyad, xilkasnimo iyo odaytinimo. Boqorku wuxuu na yidhi maanta waxaynu badbaadinaynaa qaranimadeena. Runtiina noomay muuqan cid kale oo ay dhibayso cawaaqibkeedu. Madaxweyne nama qabato in boqorkii aanu boqolaal jeer iyo ka badan ku faro-saaray kuna weeraray, waar maxaad noo reebtay tiisuna ahayd adeer meel dhawbaa tihiine dan qaran ka hadla, inuu dedaalkiisa ku mutaysto waa dambiile qaran, xadhig iyo karaamo ka qaadis madax dhaqameed dantiisa iy dadkiisaba ku baabiiyey dan qaran.

Ugu danbayntii, waxaan ku talin lahaa madaxweyne yaanay siyaasada geyigani noqon mid fashilanta, raalina kama nihin dheeli siyaasadeed oo gudaha ah.
Cabdi Saalax Muuse
Hargeysa.

Top


GEDDEENAAS OO KALEY GEEDUHU NAF U LEEYIHIIN
Maxaad Ka Taqaan Dhirta Iyo Deegaanka?
Q: 24aad

Macluumaadka qoraalkani xambaarsan yahay, waxaanu ka soo min-guurinay buug aan weli daabacaadiisa la sii daynin oo la yidhaahdo DHIRTA IYO DEEGAANKA, kaas oo ay isku soo ururisay hay’adda Maraykanka ee SAVE The Children U.S.A, xafiisyadeeda Hargeysa iyo Jig-jigga ee Kilalka 5aad.

Buuggan oo weli qabyo ah, waxa ka bannaan cidii garanaysa macluumaad ku saabsan deegaanka iyo dhirta dhulka Soomaaliyeed oo buuggan ka maqan.

Geed Nagaadh
Subag shiil

Geedkan oo ka mid ah geed nagaadhka, waa geed sida uu magacu sheegayo, xagga shiilitaanka subagga aad loogu adeegsado. Waa geed u baxa si isku humbulan ama dhudkalyaale baarka iska haysta ah. Geedkani waa geed wada cad, caleentiisa, buuhoodkiisa iyo laantiisuba, wuxuuna leeyahay xaad cad. Geedkan waxaa loo yaqaan laba magac oo kala ah: subag shiil iyo riixaan. Labaduba waxay tilmaamayaan udgoon, kaas oo subagga urta hore ee u leeyahay beddelaya, kana dhigay wax udgoon oo la xiiseeyo ama naftu u baahan tahay marka ay urisaba.

Geedkan dhammaantii waa lawada adeegsadaa, laantiisa, xididkiisa, iyo ubax iyo caleenba waa isku wada udgoon wuxuu ka baxaa suubaanka iyo ciidda guduudan. Geedkan waxaa kale oo laga dhigtaa cadarka aqalada iyo dadkaba.

Lebi yar
Geedkani wuxuu ka mid yahay geed nagaadhka, wuxuuna u baxaa saddex nooc oo kala duwan haddana laysku yidhaahdo lebi yar. Nooc waa mid cad oo dhaadheer, waxaana laga yaabaa in uu dad iyo duunyaba qariyo, wuxuuna ka baxaa biyo mareenada iyo carro madowda. Noocyada kale way gaagaaban yihiin, kuwaas oo uu ugu sii gaaban yahay nooca ka baxa, carro guduuda.

Geedkani waa geed aan lahayn gun dheeraata iyo laamo waaweyn midnaba, wuxuuna bixiyaa ulo dhuudhuuban oo kor isu raaca. Wuxuu yeeshaa hal xidid oo dhulka ku fogaada, haddana aan la rujin karin. Geedkan waxaa laga ilaaliyaa inuu ka dhex baxo beeraha, gaar ahaan hadhuudhka, sababtoo ah biyaha ayuu ka nuugayaa, sudaa darteedba hadhuudhkii ayaa sidaa ku dhimanaya. Geedkan xoolaha ayaa aad u jecel, sababtoo ah aad ayuu u buunbuuniyaa xagga cadka iyo caanaha iyo koritaanka lafaha. Geedkani wuxuu leeyahay xajiin lagu caaroodo.

Argeeg
Geed gaaban waxaau maleynayaa qofkasta oo soomaali ah, haddan maqlo magaca geedkan wuu garan karaa inta badan faa’iidooyinka uu leeyahay, haddiise aan sheegno tilmaaha laga gaarta ee ugaarka; waa geed midabkiisu madow yahay, waa geed ula dhuudhuuban leh, waxaa kale oo u leeyahay qodxon godgodan oo adadag. Geedkan wuxuu ka baxaa inta badan meel dhagax leh, geedkan waxaa aad ujecel xoolaha, geedkan xididkiisu oo aad qaali u ah dadkuna aad u adeegsada haddana waxaa kasiijecel oo qotaa waraabaha kuna geeda goosta.

Geedkan oo leh xidido farabadan oo jiljilicsan waxaa laaga helaa faa’iidooyin dowr ah oo ay ka mid yihiin.
waxaa laga toshaa weelasha caanaha iyo biyaha reer miyiga
waxaana lagu tolaa weelasha qoriga ah ee dillaaca
geedkan wuxuu caan ku yahay daawada qaniinyada sunta halaqa gaar ahaan, halaqyaada waaweyn ee kala ah, jilbiska, maska iyo abeesada.

Laantooy
Geed gaabkan oo ka mid ah geedaha loo yaqaan, nagaadhka waa geed gaaban oo cas abqo waaweyna leh, waa geed ubax hal laan oo kali; sida magaca uu kala baxay oo ah laatoy. Geedkan wuxuu ka baxaa ciidda cas suubaankana waa laga helaa, geedkan wuxuu leeyahay xidid badhiyeed oo dhulka ku fogaada. Geedkan waxaa laga yaabaa in uu barka hore firiir laama yar yar ku yeesho. Caleenta iyo abqada wuxuu uga egyahay geedka layiraado joleelo cadka.

Geedkan xooluhu madaaqaan laakiin waxaa jirta in dadka iyo duunyadaba, wuxuu u leeyahay dawooyin fara badan oo ay ka mid yihiin:

dawada shinbirta ku dhacda dad iyo duunyadaba. Kaasoo dadka afka marooriya geelana waasha ama fadhiisisa geedkan
geedkan uma garaneyna wax kale oo intaa dheer oo faa’iido ah oo uu leeyahay iyo shinbir caloolada iyo shimbir libaaxa oo aan ahayn wax shinbir kabadana dhaafsiisa.

Dhag maanyo
Geedkani waa geed ka mid ah geed gaabyada aynu ku guda jirro, haddii aanu tilmaan ka bixinno, waa geed gaaban sida aanu hore u soo sheegnay, waa geed cad oo laama firidhsan lehna farqo dhaadheer oo maraboob leh ama wax loo yaqaan dhegmaanyada ee maryaha ku dhegdhega.

Geedkan aalaaba wuxuu ka baxaa geedaha hoostooda, wuxuuna u badan yahay ciid guduudka iyo suubaanka. Geedkan xooluhu aad ayay u jecel yihiin, gaar ahaan geela iyo adhiga. Geedkan waxaa hub ka dhigta oo ku dagaalama, iskagana celiya masaska iyo abeesada bahasha loo yaqaan saangurta. Siday ugu dagaalantaa? Saangurtu marka ay aragto maska, ay saynteeda oo leh budul dhegmaanyada ku soo qaadataa, markaasay soo aadaa, wixii ay la dagaalamaysay, afkana u gelisaa seyntii oo leh dhegmaanyadii. Sidaa ayeyna ugu dagaalantaa.

Joog joog
Waa geed madow oo si dhuuban oo qotan ah u baxa, sida laama-lowshaha ama qaalmo-legadka. Waa geed ku taagan ul dhuuban , laamo firidhsanna leh. Waa geed caleemo yar yar. Geedkani midho, maydhax, qodax, ul, ood iyo dhismo, intaa midna malaha.

Majabe
Geedkani waa geed cas oo gaaban kol kolna la arko isaga oo dheer, sida geedaha dhexe, laakiin wuxuu ka tirsan yahay geed nagaadhka. Geedkani wuxuu leeyahay, qodxo iyo laamo u eg eg, sida argeegta, wuxuuna ka baxaa:- gollaha, buuraha iyo biyo-macaanada iyo laagaha gabiyadooda, xooluhuna geedkan aad ayey u jecel yihiin. Laamihiisu waxay ku fiican yihiin dhismaha guryaha ama sarabka.

Ranboor

Geedkan oo ka mid ah geed gaabyada, waa geed madow oo caleentiisuna duf badan leedahay, waa geed habaqsan oo dhulka ku dhow sida guryo fanka, waa geed inta badan caleentiisu madow dahay. Geedkani wuxuu ka baxaa, gallaadka webiyada, togagga, laagaha iyo dooxooyinka. Geedkan dhib mooyiye, dheef ma laha, sida ku cad magaciissa. Geedkan marka uu geelu daaqo wuu ku dhintaa sida marar badanba geela loogu habaaro kud iyo Ranboor ku dil.

Baal goray
Geed gaabkani waa geed madow, sida ku cad maggaciisana waa geed leh sal keliya oo baar toos u baxa, waa geed leh caleemo dhaadheer una eg caleenta qubbada. Geedkani wuxuu leeyahay laba magac oo kala ah; baal goray iyo daba gorayaale. Geedani wuxuu ka baxaa ciidda guduudan, inkasta oo suubaankana laga helo. Geedkani wuxuu leeyahay caleen-dhadh xilliga gamashiga, oo ay xooluhu u bax sadaan.

Mandooyo
Waa geed madow oo gaaban oo dhuuban isla markaana dhud kal yaale u baxa oo baar firidhsan leh iyo caleemo yar yar sida ganaqan doolida oo ay aad isugu dhow yihiin. Geedkani wuxuu leeyahay badni yar oo uu ku dhex jiro dhuux macaan, oo dadku aad u jecel yahay, gaar ahaan carruurta, caleenta geedkana xooluhu aad ayey u jecel yihiin, gaar ahaan adhiga,

Galoolyaa
Waa geed gaaban oo u baxa sida qodaxtoosha, kana baxa biyo mareenada, dooxooyinka iyo dibirka. Geedkan xoolo daaqeen mooyiye wax kale oo nacfi ah oo uu leeyahay ma jirto.

La soco.

Top


AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 38aad

AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 38aad
[Qaybtii shalay oo ay ku qornayd Q: 36aad, waxay sax ku tahay Q: 37aad]
Carabkii ayaa Cawil ku yidhi: “Lacagta xaddigaa leh imisa sannadood ayaad ururinaysay.”

Cawil baa yidhi: “Waxaan ururinayay toban sannadood.”
Carabkii ayaa haddana yidhi: “Oo maxaa kugu kelifay inaad lacagta guntiga ku ururiso miyaanad ka baqayn in tuugto ogaato oo lagaa xaddo.”
Cawil baa yidhi: “Cid aan u dhiibto ayaan waayay.”

Dabadeedna ninkii carabka ahaa ayaa isaga oo doonaya inuu Cawil la taliyo, wuxuu uga sheekeeyay qiso dheer oo ku saabsan sida lacagta loo maamulo, isaga oo Cawil ku yidhi: “Sidan oo kale lacagta looma hayo ee ama wax baa la geliyaa, ama baanka ayaa la dhigtaa, imikana haddii aad u baahan tahay anigu waxaan diyaar u ahay inaan ku caawiyo, waxaanan kuu sheegayaa hab sidan kaaga faa’iido badan.”

Cawil oo baahi u qabay cid talo ka siisa lacagtan xaddi-dhaafka ah ee dacalka ugu guntan ayaa aad u dhegaystay talooyinkii ninkii carabka ahaa, dabadeedna wuxuu ninkii Carabka ahaa ku yidhi: “Talada aad ii soo jeedisay waan ka soo tashanayaaye mar kale haynoo ahaato,” kadibna Cawil iyo ninkii carabka ahaa way kala tageen.

Cawil waxaa dhegihiisa ku badatay ama uu mar walba arkaa raggii aynigiisa ahaa ee kuuliga kala xamaalanayay oo intay yara dhoofaan, gabadh soo guursanaya oo haddana dib u soo shaqo tegaya.

Sidoo kale wuxuu had iyo goor arkaa, rag cajalado iyo waraaqo loo soo dirayo ama diraya oo xaasaskoodii la hadlaya. Sidaa darteed Cawil, waxa feker iyo dareen murugo leh ku abuuray nolosha kelinimada iyo go’doonka ah ee uu ku noolyahay, dabadeedna wuxuu naftiisa kala shawray sidii uu nolosha caynkaas ah uga bixi lahaa.

Cawil markii uu muddo ka fekerayay, sidii uu uga bixi lahaa nolosha kelinimada iyo go’doonka ah, ayuu maalintii dambe isku qanciyay inuu gabadh guursado, laakiin inkasta oo uu naftiisa ku qanciyay inuu gabadh guursado, haddana go’aan ragganimo ma qaadan ee si baa nugayl ugu jiraa oo uu wax baa ka si ah.
Maalin maalmaha ka mid ah oo ahayd maalin ciid ah, ayaa Cawil iyo Saaxiibkii Aadan oo aad u faraxsan waxa dhexmartay sheeko, iyaga oo is-xaal-wareystay.
Cawil baa saaxiibkii Aadan ku yidhi: “Saaxiib Aadanow, waadigan oo dalkii mar qudha umaad dhoofin oo halkan uun baad joogtaaye, maxaad mar qudha u dhoofi wayday oo dalkii u soo eegi wayday.”

Aadan baa intuu yara dhoola-cadeeyay, Cawil u celiyay: “Cawil, adiguba sidii wadankan aad u soo gashay mar keliya dalkii ku maad noqone, ma wax baa kaaga soo dhacay.”

Dabadeedna Cawil baa intuu aad u qoslay yidhi: “Anigu waan kuu waramayaaye bal adiguna iiga warran waxa aad mar qudha dalkii ugu noqon wayday.”
Aadan oo marka horeba yara dareensanaa in saaxiibkii Cawil, dalkii wax kaga si yihiin, ayaa hadalkii qaatay oo yidhi: “Saaxiib haddii aan kaaga warramo, waxa dalkii igaga soo dhacay ee aan ugu noqon-waayay, miyaad cid kale u sheegaysaa.”

Cawil baa ku jawaabay; “Xaasha, maya ee cidna u sheegi maayo oo miyaan waallanahay, maxaa war-sheeko igu wata.”

Dabadeedna Aadan ayaa saaxiibkii si daacad ah ugu warramay, wuxuuna hadalkii ku bilaabay; “Anigu waxaan ku dhashay, kuna barbaaray hawdka Hargeysa, waxaan ahaa nin reer miyi ah, waxaanan la dhashay dhallinyaro farabadan, kuwaas oo aanu aad u kaftami jiray, isuna dacaayadayn jirnay.”

Aadan waxa uu ahaa nin aad wax u dacaayadeeay, siraha uu dhallinyarada ay ilma-adeerka yihiin ka helona kashifa oo ku dacaayadeeya, laakiin isagu ma jeclayn in sir laga qabto oo loo helo arrimo lagu dacaayadeeyo. Hase yeeshee Aadan, markii uu doobka noqday ayuu maalintii dambe gabadh la soo tegay, wuuna la guri galay.
Dhallinyarada ragga ah ee ilma-adeerta reer miyiga ah waxa dabeecadahooda ilma-adeernimo ka mid ahaa, marka mid ka mid ahi aqal galo inay habeenka u horeeya ee arooska inta ay aqalka arooska ah agagaarkiisa soo dhuun-galeeyaan ay dhegaystaan bal inay sanqadhi meesha ka baxayso iyo in kale, taas oo ay uga dan leeyihiin in ay hubiyaan bal inuu ninkii naagta iska celiyay iyo inay ka adkaatay, waayo; xilliyadii hore dhaqanka guurka waxa jiri jiray, waxyaabo badan oo ay isku jirrabaan ragga iyo haweenku.

Tusaale: wiilka dhallinyarada ahi marka uu guursado gabadh gashaanti ah oo aan faro hore gaadhin, waxa uu marka hore isku dayi jiray inuu qoddobka gabadha ragga-nimadiisa ku kala gooyo, laakiin haddii uu kala goyn kari waayo, waa look ala goyn jiray.

Sidoo kale, waxa dhici jirtay inay gabadhu ninka iska diido oo inta ay banaankaa u booddo, tidhaahdo: “Waar far hay saarrin”, halkaana waxa ka bilaabmi jiray dagaal-cumuruq ka dhex aloosma doobka iyo gashaantida la isu aroosay, waxayna marka sidaasi dhacdo raggu u qaybsami jireen nin naagta ka adkaada oo waxa uu doonayo ka fushado iyo nin ay naagtu iska caabido oo waxba ka fushan kari waaya, sidaa darteed haddii ay dhacdo inuu ninku naagta waxba ka fushan kari waayo oo ay iska caabiddo, ileyn duulku haddii aanay ku ogolayn awood waxba lagagama qadi karee, waxa markaa dhici jirtay in ay dhallinyarada ninka ilma-adeeradii u soo gurmadaan oo ay naagta u qabtaan.

Haddaba, Aadan iyo gashaantidii loo aroosay markii aqalkii loo baneeyay ayay dhallinyaradii ragga ahayd ee ilma-adeeradii sanqadh-dhegaysteen.

Aadan iyo gashaantida loo xereeyay, waxba islamay ogolaan, taasina waxay dhalisay dagaal-cumuruqii ragga iyo haweenka, dabadeedna waxa bilaabmay legdan iyo giriftan, arrinina mar haddii aanu jirin wax laysla ogolyahay, waxay noqotay qofba taagtiisu halka ay dhigto.

Dhallinyaradii Aadan ilma-adeeradii, waxay kadkadaloobaan aqalka hareerihiisa, wayna dhegaysanayaan waxa meesha ka socda, waxayna Aadan ilma-adeeradii doonayaan inay ogaadaan Aadan iyo gabadha bal kooda reerka u hadha.

Dhaqanka ilma-adeer-nimo ee ah inay dhallinyarada ragga ahi haddii ay naagtu ninka ka adkaato ay hadhow u gurmadaan ka sokow, dhallinyarada aqalka Aadan hareerihiisa kadaloobta, waxa inta ilma-adeernimada u dheer inay Aadan sir ka qabtaan oo haddii ay naagtu ka adkaato hadhow ku jareexeeyaan.

Hase yeeshee intii aan taaba la isla gaadhin, ayaa ninkii Aadan oo giriftankii la daba-dheeraaday, waxa markii dambe ka baxsatay dhuuso yar oo nooca biiq-dheerta ah ee meel fog laga maqlo ah. dabadeedna nimankii dhallinyarada ahaa ee Aadan jareexadu ka dhexaysay oo dadabta aqalka kadalooba ayaa markii ay maqleen dhiiqdii neeftii yarayd ee duburta Aadan ka soo fakatay qosol jaanta wadhay.

Aadan oo markiisii horeba ka shaki qabay inay qolyihii ay jareexadu ka dhexaysay dadabta u soo gelayaan, ayaa qosolkii maqlay, dabadeedna intuu naxdin la qaboobay ayuu hoosta ka yidhi: “Waar kuwii baa caawa sir iga qabtay oo weliba ceebtayda iyaga oo i maqlaya dhuuso iga soo baxday, Alleylehe caawaan carro-edeg ka baxay.”

Laakiin wuxuu ku guulaystay inuu gabadhii barbar iskaga rido.
Nimankii dhallinyarada ahaa ee aqalka dadabtiisa soo galay, goor waa-soo-dhowaadkii ah ayay meeshi ka kaceen, iyaga oo sir culus ka haya Aadan. Hase yeeshee Aadan, wuxuu isku qanciyay inaanu ceeba iyo magac-xumada caawa raacday degmada ku dhex-noollaan karayn, sidaa darteed wuxuu go’aansaday inaan arlada waa ugu beryin. Dabadeedna, wuu guura-galay.

Sidaa ayuuna Sucuudiga ku galay, gabadhii uu aroostayna habeenkaa ayaa ugu dambaysay, Cawil-na qisadaa ayuu uga sheekeeyay.

Aadan markii uu sideed (8) sannadood Sucuudiga ku maqnaa, ayuu maalintii dambe is yidhi iminka arrintii la ilowye dhulkii gaadh, wuuna soo dhoofay, Hargeysa ayuuna ka soo degay, wuxuuna degdeg ugu gudbay degsiimadii reeruhu degi jireen.

Aadan meel tuulo ah oo degmada dhexdeeda ah, ayuu baabuur kaga degay, waxaana halkaa looga tilmaamay halka reerkoodu deggan yahay, wuuna ku tibbaday. Dabadeedna markuu jiiddii reerka loogu soo tilmaamay yimi, ayuu arkay reer shan aqal ah, wuu ku leexday, wuxuuna isla taagay wiil yar oo xuur ah oo Naylo la jooga guriga kambalkiisa, wuxuuna Aadan wiilkii yaraa ku yidhi: “Waar yarkow, reermaad tihiin.”

Kii yaraa baa Aadan u sheegay qoladiisa, saa waaba Aadan qolodoodii, laakiin wuxuu haddana yarkii weydiiyay; “Oo waa kuma reerku.”

Yarkii baa u sheegay, saa waaba Aadan reerkoodii.

Aadan baa markuu gartay inuu reerku reerkoodii yahay, wiilkii yaraa ku yidhi: “Oo adigu ina ayo ayaad tahay.”

Kii yaraabaa yidhi: “Ina Aadan baa lay yidhaahdaa.”

La soco.

Top