Baarlamaanka Ingiriiska Oo Muddo 44 Sannadood
Dooddii Ugu Cusleyd Ka Yeeshay Qadiyadda Somaliland
Qaar Ka Mid Ah Hay’adaha Qaramada Midoobay
Oo Ku Mashquulsan qorshayaal Khatar Ah Iyo Shirqoolo Gurrin-Tir Ah Oo Ay Ku
Mijo-Xaabinayaan Jiritaanka Somaliland
Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca
Ka Qaaday Inay Talaabo Kama Dambays Ah
Ka Qaadayso Ajnebiga Sharci-darada Ku Jooga
Bileyska Caynabo Oo Qabtay Saddex nin
Oo Ajenabi Ah
Bileyska Somaliland Oo Gacanta Ku
Dhigay Shixnad Xayawaanka Diinka Ah Oo Dalka Laga Dhoofinayey
Khabiir Reer Pakistan Ah Oo Qirtay
Inuu Faafiyey Sir Nukliyeerka Ah
IFTIINKA ISLAAMKA: Xukuumadda
Ingiriiska Oo Ku Fikirtay Inay Iibsato Risaaladdii Uu Nebigu (CSW) Boqor
Hirqal
AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 39aad
GEDDEENAAS OO KALEY GEEDUHU NAF U
LEEYIHIIN
Maxaad Ka Taqaan Dhirta Iyo Deegaanka?
Q: 25aad
|
|
Getting out the Muslim vote
"There is a sense of crisis in the Muslim community," says Jamal Gabobe, a
U.S. citizen born in Somaliland.
By Kari Huus
Reporter
MSNBC
Baarlamaanka Ingiriiska Oo
Muddo 44 Sannadood
Dooddii Ugu Cusleyd Ka Yeeshay Qadiyadda Somaliland |
London, February 6, 2004 (Haatuf) –
Baarlamaanka dalka Ingiriiska (House of Commons) ayaa markii u horaysay
muddo 44 sannadood ah Arbacadii doraad miiska fadhiyadooda soo dhigay dood
culus oo ku saabsan qadiyadda Somaliland, iyaga oo qaadaadhigay
marxaladihii ay Somaliland soo martay dhawr iyo tobankii sannadood ee ka
dambeeyey la soo noqoshadii madax banaanideeda, wacyiga ay ku jirto
waqtigan xaadirka ah iyo xaqiiqda rasmiga ah ee ay ku soo arkeen, waxayna
mudanayaashii halkaa ka doodday ku nuux-nuuxsadeen inay Somaliland xaq u
leedahay in la aqoonsado iyo in la siiyo caawimo toos ah, iyadoo dooddaa
ka qayb galay wasiirka caawimooyinka debedaha u qaabilsan dawladda
Britain, Mr. Hillary Ben oo lagu martiqaaday inuu doodda ka soo qayb galo,
waxaana dooddaa lagu tilmaamay dood taariikhiya marka loo eego qadiyadda
laga doodayey. Iyadoo dooddaa lagu qaadaadhigay xidhiidhkii mustacmarnimo
ee mudada 80-ka sannadood ahayd u dhexaysay Somaliland iyo dalka
Ingiriiska, waqtigaas oo ahayd mudadii uu Ingiriisku gumaysanayey
Somaliland.
Sida ay sheegeen warar rasmi ah oo aanu ka helnay magaalada London
dooddani waxay miisaska timi ka dib markii ay xubno baarlamaanka
Ingiriiska ah oo dhowaan booqasho ku yimi Somaliland iyo weliba mudanayaal
kale miiska soo dhigeen ajande ku saabsan Somaliland, waxayna mudanayaasha
baarlamaanka Ingiriisku ajandahaa dood xiise leh ka yeesheen Arbacadii
doraad, dooddaasina waxay ka dhacday hoolka fadhiyada xarunta baarlamaaka
Ingiriiska ee London.
Dooddan oo socotey muddo laba saacadood gaadhaysa waxa lafa-gurkeeda bud-dhig
u ahaa sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland iyo sidii loo siin lahaa
caawimo wax ku ool ah oo toos ah, waxayna mudanayaasha doodda jeediyey
farta ku fiiqeen inay Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado, isla
markaana waxay tilmaameen inay dawladda Ingiriiska waajib ku tahay inay
deeq toos ah siiso Somaliland.
Tony Baldry oo ah mudane ka tirsan xisbiga qunyar socodka ee mucaaradka
(Conservative), kana mid ahaa weftigii baarlamaanka Somaliland ee
Somaliland booqashada ku yimi ayaa sheegay inay dooddan tii ku xigtay ee
nooceeda ahayd ay baarlamaanka Ingiriiska ka dhacday 4-tii May 1960-kii,
taas oo uu ra’iisal-wasaarihii Ingiriiska ee xiligaa Harold Macmillan uu
soo hordhigay baarlamaanka ajande ku saabsan Somaliland, iyadoo uu
ra’iisal-wasaarahaasi yidhi “Wax kasta oo uu aayaha Somaliland ku dambeeyo
waxa muhim ah in xidhiidhkii saaxiibtinimo ee ay dadka reer Somaliland iyo
Ingiriisku lahaayeen mudada dheer uu noqdo mid sii jira oo horumar sameeya”.
Mudane Tony Baldry waxa kale oo uu halkaa ka sheegay inay jirtay ballamo
ay boqortooyada Ingiriisku xiligaa u qaaday dadka reer Somaliland,
ballamahaasna ay ka mid ahaayeen “in wax kasta oo uu aayaha Somaliland ku
dambeeyo ay dawladda Ingiriisku sii wadi doonto taageerada dadka iyo
danaha ummadda reer Somaliland, isla markaana ay si gaar ah u sii wadi
doonto taageeradii dhaqaale ee ay boqortooyada Ingiriisku siin jirtay
Somaliland”. Hase yeeshee mudane Tony Baldry waxa uu carrabka ku adkeeyey
oo uu yidhi “hadii ay Somaliland mar uun u baahnayd xidhiidhkii
saaxiibtinimo iyo caawimadii Ingiriiska, waqtigaasi waa maanta. Qofkasta
oo Hargeysa ku nooli qaxooti ayuu noqday markii ay dadkii koonfurtu
burburiyeen ee ay diyaarado, Taangiyo iyo madaafiic la dhaceen magaalada,
markaa sidee ayey suurtagal u tahay in dadkii waxaa loo geystay lagu
yidhaahdo ku noqda dadkii idin baabi’iyey. Waxaanu soo aragnay xabaalihii
lagu aasay kumanaan qof oo maydkoodii la helay iyaga oo isku xidh-xidhan.
Dadka reer Somaliland markii aynu u baahnayn way iskeen garab taageen,
waxaana xusid mudan waqtigii ciidanka Talyaaniga oo tiradiisu ahayd 91,000
askari iyo 200,000 askari oo ay soo urursadeen inay iska horyimaadeen
9,000 oo askari oo u badnaa Somaliland Scouts iyo Somaliland Corps, kuwaas
oo ciidamadii soo weeraray ee Talyaaniga ka dilay, sidii loo difaacayna
waxay raad ku yeelatay waxyaalihii ay Talyaanigu damacsanaayeen inay ku
kacaan oo ay baajisay”.
Mudane Tony Baldry isaga oo ka hadlaya aqoonsiga Somaliland waxa uu yidhi
“Aqoonsiga Somaliland loo diidayaa waxay ka dhigan tahay inaynu danta
dagaal-oogayaasha ka hor-marinayo, kuwa nabadda dhaliyey ee
dimoqraadiyadda iyo dawladnimada samaystay, dadka reer Somaliland-na waxa
lagu leeyahay inta aad ku biirtaan kuwa Koonfurta burburiyey idinkuna
dhulkiina burburiya, ka dibna marka aad dhulkiina burburisaan ayaanu idin
aqoonsanaynaa, hadii aad koonfurta banaanka ka joogtaan oo aad
dimoqraadiyad iyo deganaansho samaysataana waanu idin ilaawaynaa. Laakiin
xeeladdii bulshada caalamka ee ahayd in hadii loo samro oo muddo la sugo
ay Soomaalidu aakhirka isu iman doonto, taasi ma shaqaynayso, hadii la sii
eegtona khatar weyn ayaa ku jirta, sugitaankiina wuu dhamaaday, waayo 14
sannadood ayeynu lahayn Soomaalidu dib ayey isugu iman doonaan oo isu
jeclaan doonaan, laakiinse taasi waa wax aan dhacaynin, dhulalkii
Soomaalidana meesha qudha ee shaqaynaysaa waa Somaliland ee aynu halkaa
dhisno, aynuna abaal-marrino dedaalka iyo dhaqanka wanaagsan ee ay
Somaliland la timi, hadii aynu aqoonsiga ugu horaynana wadamo badan ayaa
inagu dayan lahaa, waxa kale oo aan dareensanahay in afkaartii beesha
caalamka ee aqoonsiga Somaliland ay iminka sidii hore iska bedeshay oo
aanay caalamka hadda jirin cid aad uga soo horjeedda Somaliland. Waayo
tusaale ahaan waxa hadda aad u fiicnaaday xidhiidhkii iyaga (Somaliland)
iyo Jabuuti. Sidoo kale dawladda Koonfur Afrika ayey hadallo dhiiri gelin
ahi ka soo yeedhayaa”.
Mudane kale oo isna la yidhaahdo John Barrett oo ka tirsan xisbiga
libaraalka dimoqraadiga oo laga soo doorto magaalada Edinburgh ee ku taal
Scotland ayaa isna ka mid ahaa mudanayaashii ka hadlay qadiyadda
Somaliland, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “hadii dadka ku nool Scotland
iyo waqooyiga Ireland ay intooda badani isku raacaan inay aayahooda ka
tashadaan ma jirto cid u diidi kartaan, waana wax xaq u leeyihiin. Sidaas
oo kale ayey dadka reer Somaliland xaq ugu leeyihiin inay aayahooda ka
tashadaan, iminkana waxa keliya ee ay dadka reer Somaliland dal-banayaan
waxa weeye inay aayahooda ka tashadaan iyaga oo ku sugan xuduud waqti
dheer jirtay”.
Waxa kale oo ay mudanayaashaasi tilmaameen inay aragti qaldan tahay in
aqoonsiga iyo caawimada ay Somaliland u baahan tahay laga dhigo wax ku
xidhan mashruuca aan rajada lahayn ee dib u heshiisiinta kooxaha Somaliya
ee ka socda Nayroobi. “Ma aha inay arinta Somaliland u dab-ranaato cid
kale oo aan Somaliland ahayn”ayey yidhaahdeen mudanayaashaasi.
Koox mudanayaal ah oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa intii u
dhexaysay 25-kii ilaa 26-kii bishii Jananweri ee ina dhaaftay booqasho ku
yimi Somaliland, waxayna mudadii ay joogeen kulamo la yeesheen madax iyo
dhinacyo kala duwan oo reer Somaliland, isla markaana weftigaa si
balaadhan ayaa loogu soo dhoweeyey caasumadda Hargeysa. Iyadoo xubnaha
baarlamaanka ee socdaalka ku yimi Somaliland ay ka koobnaayeen ilaa 8
mudane oo ka soo kala jeeda xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya,
sida xisbiga talada haya ee shaqaalaha (Labour) iyo xisbiga mucaaradka ee
qunyar socodka (Conservative) iyo weliba xubno ka socday xisbiga kale
Libaraalka la yidhaahdo.
Mudane Andrew Robathan oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka Britain ee
booqashada ku yimi Somaliland, kana tirsan xisbiga mucaaradka ee qunyar
socodka (Conservative) ayaa fadhigii doraad ee baarlamaanka Britain ka hor
akhriyey qoraal ku saabsan qadiyadda Somaliland, qoraalkaas oo uu sheegay
inuu u gud-biyey wasiirka arimaha debedda Ingiriiska, wuxuuna mudanahaasi
sheegay inuu wasiirka arimahad debedda Ingiriiska ka dal-badday inuu
dalalka ururka midowga Yurub (EU) ku dhiiri geliyo ama ku cadaadiyo inay
aqoonsadaan Somaliland, caawimona u fidiyaan. Laakiin mudane Andrew
Robathan waxa uu ku dooday inuu la yaabay markii uu magaalada Nayroobi ku
arkay dhiig-yacabkii janaraal Morgan oo ku jira hudheel ay dawladda
Ingiriisku kharashka ka bixiso, wuxuuna wasiirka deeqaha debedda u
qaabilsan dawladda Ingiriiska oo madasha fadhiyey ka dalbadday inuu ka
jawaabo sababta ay dawladda Ingiriisku lacagta ugu maalgelisay
dhiigyacabka janaraal Morgan.
Hase yeeshee Mr. Tony Worthington oo ka mid ahaa xubnihii weftiga
baarlamaanka Ingiriiska ayaa isagu safka kaga jiray xubnihii ajandahan
badka soo dhigay, waxaase madasha lafteeda looga mahad naqay Mr. Tony
Worthington, iyadoo looga mahad naqay sidii uu ugu guulaystay inuu
ajandaha ku saabsan Somaliland ee laga dooday soo dhigo madasha fadhiga
baarlamaanka.
Mr. Andrew Robathan waxa kale oo uu fadhiga baarlamaanka Ingiriiska ka
jeediyey war-bixin ku saabsan socdaalkoodii Somaliland, isaga oo aad ugu
dheeraaday sidii xiisaha lahayd ee loogu soo dhoweeyey Somaliland iyo
waxyaalihii ay ku soo arkeen, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday inay si weyn
dareenkooda u taabatay sidii la yaabka lahayd ee loogu dhoweeyey
Somaliland iyo raadadkii ku saabsanaa dadkii la xasuuqay sannadkii
1988-kii.
Mr. Andrew Robathan waxa uu dooddiisa ku darsaday inay la yaab ku noqotay
markii uu ogaaday in dhiigyacabkii janaraal Morgan hudheel Nayroobi ah oo
ay lacagta jiifkiisa bixiso dawladda Britain, wuxuuna mudanahani wasiirka
caawimada debedaha ee dawladda Britain oo madasha fadhiyey ka dal-badday
inuu jawaab ka bixiyo sababta ay dawladda Britain lacag ugu maal-gelisay
bayaa isna halka dood ka jeediyey, wuxuuna dooddiisa hoosta kaga xariiqay
inay axsaabta Ingiriisku mawqif isku mid ah ka taagan yihiin qadiyadda
Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay dadka reer Somaliland wax
badan qabsadeen, xaqna ay u leeyihiin in la aqoonsado si buu yidhi ay u
helaal maal-gelin caalami ah. “Aqoonsi la’aantu waxay Somaliland ka
horjoogsanaysaa maal-gelinta uu dalku u baahan yahay” ayuu yidhi Mr.
Quentin Davis.
Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan caawimada debedaha Mr. Hillary Ben
ayaa isna hadal ku saabsan ajandaha laga doodayey ee qadiyadda Somaliland
madashaa ka jeediyey, wuxuuna sheegay inuu xafiiskiisu soo diyaarin doono
barnaamij cusub oo ku saabsan siyaasadda ay dawladda Britain ku waajahayso
qadiyadda Somaliland, isaga oo sheegay inuu diyaarinta qorshaha cusub ee
ku saabsan arinta Somaliland wada tashi kala yeellan doono mudanayaasha
talooyinka ka bixiyey arimaha Somaliland.
Mudanayaasha halkaa ka dooday waxay dooddooda gundhig uga dhigeen inuu
xalku yahay in Somaliland la aqoonsado, waxayna mudanayaashu halkaa ka
sheegeen inay wasiirka arimaha debedda Somaliland ay u qorsheeyeen inay
dood ka horjeediso fadhiga baarlamaanka Ingiriiska, marka ugu horaysa ee
ay fursad u hesho. Hase yeeshee sida ay sheegeen xogo u dhuundaloola
mudanayaasha baarlamaanka waxay mudanayaashaasi u ololaynayaan sidii dalka
Ingiriiska loogu casuumi lahaa madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin, iyadoo uu qorshahoodu yahay inuu madaxweyne Rayaale bisha March ee
foodda inagu yimaaddo dalka Ingiriiska si uu khudbad uga horjeediyo
fadhiga baarlamaanka Ingiriiska.
Muddo hadda laga joogo 44 sannadood waa markii u horaysay ee arinta
Somaliland la soo dhigo miiska doodaha ee baarlamaanka Ingiriiska doodna
lagaga yeesho, waxayna markan markii xigtey ahayd bishii May sannadkii
1960-kii, xiligaas oo baarlamaanka Ingiriiska lagaga dooday ajande ay
xukuumaddu soo hordhigtay oo ku saabsanaa in Somaliland la siiyo madax
banaani, iyadoo ka mid ahayd dalalkii ay gumaysan jirtay mustacmarkii
boqortooyadii Ingiriisku, waxayna Somaliland madax banaanideeda ka
qaadatay mustacmarkii Ingiriiska 26-kii Juun 1960-kii. Laakiin sannadkii
1994-kii ayaa hal mar la baarlamaanka Ingiriiska fadhigooda la soo
dhex-dhigay ajande ku saabsan qadiyadda Somaliland, waxaana soo dhigay
Tony Worthington, balse inkasta oo uu arintaa baarlamaanku ka hadlay,
hadana may dood culus oo u dhiganta ama u dhow-ba doodda Arbacadii doraar
dhacday.
Doodda ay Khamiistii doraad qadiyadda Somaliland ka yeesheen mudanayaasha
baarlamaanka Ingiriisku waxa qaban-qaabadeeda iyo hal abuurkeeda iska
lahaa kooxdii mudanayaasha ahaa ee baarlamaanka Britain ee dabayaaqadii
Jananweri 2004 socdaalka ku yimi Somaliland, kuwaas oo dareen iyo aragti
cusub kala guryo-noqday Somaliland, waxayna gebagebadii socdaalkooda meelo
badan kaga dhawaaqeen inay ballan ku qaadayaan inay dawladooda cadaadis ku
saari doonaan in Somaliland la aqoonsado iyo in caawimo toos ah la siiyo
dadka reer Somaliland, isla markaana ay baarlamaankooda hordhigi doonaan
wixii ay kala soo kulmaan socdaalkoodii Somaliland iyo xaaladdii ay ku soo
arkeen dadka iyo dalka Somaliland. Waxayna taasi keentay doodda culus ee
uu baarlamaanka Ingiriisku Arbacadii doraad ka yeeshay qadiyadda
Somaliland, halkaas oo ay mudanayaashii doodda ka jeediyey si ba’an ugu
nuux-nuuxsadeen inay dawladoodu aqoonsato Somaliland, deeq toos ahna u
fidiso.
Doodda ay mudanayaasha baarlamaanka Ingiriisku ka yeesheen qadiyadda
Somaliland waxa si toos ah looga daawan karaa telefishinka BBC-da, janalka
ama maxdadda BBC-Parliament Channel Axadda saadambe (8.2.2004), marka ay
saacaddu tahay 8 GMT ama 5:00 galabnimo.
Top
Qaar Ka Mid Ah
Hay’adaha Qaramada Midoobay Oo Ku Mashquulsan qorshayaal Khatar Ah Iyo
Shirqoolo Gurrin-Tir Ah Oo Ay Ku Mijo-Xaabinayaan Jiritaanka
Somaliland |
“Buugaagta Ka Saara Khariidadda Muujinaysa
Dalka Somaliland Iyo Xuduudihiisa…
Buugaagta Ka Saara Khariidadda Muujinaysa Lixda Gobol Ee Somaliland Iyo
Magaalo Madaxyadooda… Soomaalidana Waa In Manhaj Midaysan Iyo Taariikh
Isku Mid Ah Loo Sameeyo”
Madaxa hay’adda UNPOS oo qoraal u diray madaxa hay’adda UNESCO-PEER
Hargeysa, Feb 6, 2004 (Haatuf) – Qaar ka tirsan Hayadaha qaramada midoobay
ee qaabilsan arimaha Dal-weynihii burburay ee Jamhuuriyaddii burburtay ee
la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu hawlan
qorshayaal iyo hawl-gallo ay si cad ugula dagaalamayaan jiritaanka madax
banaanida iyo qaranimada Somaliland, waxaana hayadaha shirqoolada caynkaas
ah sida gaarka ah uga shaqeeya ka mid ah hayadda la yidhaahdo UNPOS oo
qaramada midoobay u qaabilsan arimaha siyaasadda Soomaalida iyo hayadda
kale ee la yidhaahdo UNESCO oo qaramada midoobay u qaabilsan arimaha
dhaqanka iyo sayniska, iyadoo ay hawl-galadaa fuliyaan xafiisyada ay
labadaa hayadood ku leeyihiin magaalada Nayroobi oo ay inta badan
saraakiisha qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somaliya
fadhiyaan.
Sida ku cad dhokmentisyo sir ah oo aanu ka hellay Caasimadda Kenya ee
Nayroobi oo xarun u ah hayadaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya arimaha
Soomaalida waxay hayadda UNPOS oo kaashanaysa hayadda kale ee qaramada
midoobay u qaabilsan arimaha dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO mudooyinkii u
dambeeyey ku talaabsatay hawl-gallo gurrin-tir ah oo ay xididada ugu
siibayso ama meesha kaga saarayso wax kasta oo ku abtirsada magaca
Somaliland hadii ay tahay dad, dhul, dhir iyo wax kasta oo astaamaha
qaranka Somaliland ku abtirsada.
Ninka magaciisa la yidhaahdo Winston A. Tubman oo ah wakiilka xoghayaha
guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha dhul-weynaha Jamhuuriyaddii
burburtay ee la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, ahna madaxa
xafiiska Nayroobi ee hayadda UNPOS oo fadhigiisu yahay magaalada
Caasimadda Kenya ee Nayroobi ayaa qoraal uu 21-kii Oktoobar sannadkii ina
dhaafay ee 2003 u gud-biyey xafiiska hayadda kale ee la yidhaahdo UNESCO
oo uu kaga hadlayey kutub ku saabsan majhajka dugsiyada Somaliland oo
qorshuhu ahaa in la daabaco waxa uu amar ku bixiyey in macluumaadka
kutubtaa ku jira gebi ahaan-ba laga saaro wax alaale wixii astaamo,
magacyo iyo muuqaalo ah ee ku abtirsada ama ka hadlaya magaca iyo dalka
Somaliland, isaga oo isla markaana amar ku bixiyey inaan haba yaraatee la
daabici karin manhaj u gaar ah Somaliland, laakiin buu yidhi Soomaalidu
meel kasta oo ay joogto waa in loo daabaco manhaj iyo kutub isku mid ah,
iyadoo buu yidhi meesha laga saarayo wax Somaliland la yidhaahdo.
Sida uu cadaynayo qoraalka uu soo saaray sarkaalkani wax kale iska daayoo
xataa lama ogola muuqaalada dhirta iyo buuraha ku yaal dhulka Somaliland,
isla markaana buugaagta ka hadlaysa arimaha taariikhda laga fogeeyo
taariikhaha ku abtirsanaya Somaliland, iyadoo si gaar ah hoosta looga
xariiqay dhacdooyinka iyo arimaha taariikheed ee ku saabsan sooyaalkii
taariikheed ee Somaliland so maray xiliyadii kala dambeeyey, waxayna
sheekadani ka dambaysay ka dib markii xafiiska Nayroobi ee UNESCO PEER la
geeyey nuqulada manhaj ku saabsan waxbarashada dugsiyada dhexe ee
Somaliland oo ay diyaariyeen aqoonyahanno reer Somaliland ahi, iyadoo uu
qorshuhu inay hayadda UNESCO Somaliland ka caawiso daabacadda kutubtaa.
Hase yeeshee ay hayadaha qaramada midoobay ee UNPOS iyo UNESCO hakiyeen
daabacadda kutubtaa ilaa inta laga saarayo macluumaadka iyo astaamaha ka
hadlaya ama muujinaya magaca iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraalkaas oo uu Mr. Winston A. Tubman (Madaxa xafiiska UNPOS ee Nayroobi)
ku socod siiyey madaxa xafiiska UNESCO PEER ee Nayroobi Mr. M.Devadoss oo
aanu idiin soo turjunay isaga oo ku qornaa afka ingiriisida waxa uu u
qornaa sida
“Ku: M. Devadoss, wakiilka hayadda UNESCO PEER.
Ka: Winston A. Tubman., wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, ahna
madaxa xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arimaha siyaasadda Somalia (UNPOS).
Ujeeddo: Buugaagta waxbarashada ardayda Soomaalida ee fasalka 5aad (xisaabta,
sayniska, taariikhda, Jograafiga iyo Af-Soomaaliga).
Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay qoraalkii aad ii soo dirtay ee ku
taariikhaysnaa 16-kii Oktoobar 2003 iyo weliba nuqulada aan rasmiga ahayn
ee buugaagta waxbarashada dugsiyada Soomaalida.
Waxba kama qabno in buugaagta kor ku xusan la daabaco, marka laga reebo
buugta taariikhda iyo Jograafiga (Social Study) ee loogu talo galay
ardayda gobolka waqooyi galbeed (Somaliland). Waayo buuggani waxa uu
garowshiinyo siinayaa siyaasadda kala go’ ee Somaliland ku dhaqanto. Sidaa
darteed waxaanu idin leenahay waa inaad ka joogsataan daabacadda buugtaa
ilaa inta uu sidan u qoran yahay, waxaana loo baahan yahay inaad buugaag
isku mid ah u daabacdaan dhamaan ardayda fasalka shanaad ee Soomaalida”.
Mr. Winston A. Tubman (madaxa xafiiska UNPOS) waxa kale oo uu qoraalkiisa
UNESCO PEER ku socda ku lifaaqay qoraal kale oo uu hoosta kaga xariiqayo
muwaadiicda laga dhex-saarayo nuqulada aan rasmiga ahayn ee kutubta
manhajka Somaliland, isaga oo qoraalkiisa ku tilmaamay waxyaalaha meesha
laga saarayo iyo saf-xadaha ama bogagga ay ku qoran yihiin. Wuxuuna
qoraalka warqadda labaad ciwaan uga dhigay “Arimo xasaasi ah oo ku qoran
buugta Somaliland loo daabacayo”, laakiin qoraalka warqadda labaad ee
tilmaamaya qoddobada meesha laga saarayo, isaga oo dhamaystiran waxa uu u
qornaa sidan:
“Ka Saar: bogga koowaad: xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo dalalka
deriska la ah waxa lagu tilmaamayaa mid caalami ah.
Waxa la soo saari doonaa khariiradda geeska Afrika ah oo lagu muujinayo
xuduudaha dalalka ay oo Somaliland ku jirto.
Ka Saar: Bogga 4aad: Waxa ku daabacan maabka Somaliland oo lagu muujinayo
goboladeeda iyo magaalo-madaxyada gobolada.
Ka Saar: Bogga 7aad: Waxa ku daabacan maabka Somaliland oo lagu muujiyey
wadooyinka, garoomada diyaaradaha, dekedaha IWM.
Ka Saar: bogga 11aad: Maabka muuqaalka dhulka ee Somaliland oo ay ka
muuqdaan buuro, kurro IWM.
Ka Saar: ka saar maabka Somaliland ee lagu daabacay bogagga kala ah: 12,
16, 20, 21, 23, 25, 31, 35, 36, 37, 40, 41, 64, 65, 66 iyo 67, kuwaas oo
lagu muujiyey geedaha dhulka ka baxa, dabaylaha dalka ka dhaca, roobabka
ka da’, degaamada qodaalka beeraha, taariikhda magaalooyinka, dekedaha iyo
dadkii hore geeska Afrika ugu uummanaa.
Ka Saar: bogga 106aad: isla sannadka, dadka reer Somaliland iyo
mujaahidiintu waxay ku guulaysteen xorayntii dalka, waxayna go’aansadeen
dib ula soo noqoshada madax banaanidoodii, go’aankaas oo lagu dhawaaqay
18-kii May 1991-kii, taas oo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay
madax banaanida ay noqotay Jamhuuriyadda Somaliland. Isla bogga 106 Ka
Saar ciwaanyaraha 4: 14 iyo dhamaan ciwaanyare kasta (sup-topic) waxay
dhamaantood ku saabsan tahay dib ula soo noqoshadii madax banaanida
Somaliland. Isla bogga 106aad: Ka Saar ujeedada deriska: dhamaadka deriska
waxay ardaydu ku noq-noqon doonaan kuwa bartay sidii ay Somaliland dib
ugula soo noqotay madax banaanideeda.
Ka Saar: bogga 107aad: Dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland
maxaa loola jeedaa? (Layli).
Ka Saar: bogga 108aad: Waxa ku daabacan sawirka astaamaha qaran ee
Somaliland iyo calanka Somaliland.
Ka Saar: bogga 110aad: Waxa ku daabacan weedha ah “Dib ula soo noqoshada
madax banaanida Somaliland 18-kii May 1991”.
Ka Saar: bogga u dambeeya waxa ku daabacan heesta (Nashiidada) qaranka”,
ayuu ku soo xidhay qoraalkiisa.
Qoraalada caynkaas ah ee isdhaafsadeen UNPOS iyo UNESCO PEER waxay
sababeen in dib u dhac weyni ku yimaaddo daabacadda manhajka waxbarashada
ardayda dugsiga dhexe oo uu qorshuhu ahaa in iyaga oo daabacan la keeno
sannadkii 2001, iyadoo uu ku tala galku ahaa inuu ardayga fasalka 4aad ee
dugsiga dhexe ee Somaliland duruusta manhajka cusub bilaabo
sannad-dugsiyeedkii 2002, hase yeeshee ilaa hadda lama hayo kutubtaa,
waxayna wararka dhinaca Nayroobi ka soo baxayaa tibaxayaan inay daabacadda
kutubtaasi dhinac la isaga leexiyey iyadoo ay sababta loo hakiyeyna la
xidhiidho arimo siyaasadeed oo nuxurkoodu yahay in manhajka Somaliland u
gaarka ah meesha laga saaro, lana daabaco manhaj Soomaali oo dhan ka
dhexeeya, iyadoo qorshuhu yahay in kutubka waxbarashada ee Soomaalida loo
daabacayo lagu muujiyo taariikh isku mid ah, waxayna hayadaha qaramada
midoobay ee dagaalka kula jira jiritaanka iyo qaranimada Somaliland sidaa
u yeelayaan, iyaga oo ka soo horjeeda gooni isu taagga iyo madax banaanida.
Marka la eego siyaasadda dhinaca waxbarashada ee hayadaha UNPOS iyo NUESCO
PEER waxay u taagan yihiin wasaaraddii waxbarashada ee Jamhuuriyaddii
Soomaaliya ee burburtay.
Manhajka waxbarasho ee Somaliland waxa diyaarisaya wasaaradda waxbarashada
dawladda Somaliland oo kaashanaysa aqoonyahanada khibradda u leh arimaha
manhajka waxbarasho, waxaana diyaarinta manhajka ay UNPOS iyo UNESCO PEER
tirtirayaan lagu saleeyay siyaasadda waxbarasho ee Jamhuuriyadda
Somaliland, laakiin hayadaasi way ka soo horjeedaan siyaasadda dawladda
Somaliland iyo xataa jiritaanka Somaliland, waxayna halgan culus ugu
jiraan sidii ay taa meesha uga saari lahaayeen.
Hayadda UNESCO PEER oo wasaaradda waxbarashada Somaliland ku tidhi waxaanu
idinka caawinaynaa daabacadda manhajka waxbarashada dugsiyada dhexe, waxa
diyaarintiisa la bilaabay 1999-kii ilaa 2000, waxaana markii ay wasaaradda
waxbarashadu ka faraxalatay qoraalka diyaarinta manhajka ku wareejisay
hayadda UNESCO PEER si ay u soo daabacdo, waxaana loo qaaday Nayroobi oo
ay hayadaasi sheegtay in lagu daabacayo, balse saw Nayroobi wax lagu soo
daabacayaa ma jirtee dagaal iyo shirqoollo Somaliland lagula dagaalamayo
ayaa ka socda.
Hase yeeshee waxa xusid hayadda UNICEF oo iyadu sidaa si ka duwan u
dhaqantay, waayo hayadda UNICEF waxay wasaaradda waxbarashada Somaliland
ka caawisay daabacaadda manhajka waxbarashada dugsiyada hoose (fasalka
1aad & 2aad), waxaana diyaarinta manhajka dugsiyada hoose la bilaabay
1997-kii ilaa sannadkii 1998-kii, ka dibna hayadda UNICEF ayaa la
wareegtay daabacaadiisa, wayna soo daabacday iyadoo ay dhaqan galka
manhajkaasi ku bilaabmay sidii ku talo galku ahaa, iyadoo aanay hayadda
UNICEF waxba ka bedelin sidii ay wasaaradda waxbarashadu u diyaarisay,
waxayna ardayda dugsiyada hoose manhajkaa bilaabeen sannad-dugsiyeedkii
2001 oo ah xiligii qorshuhu ahaa in la bilaabo, waxayna taasi muujinaysaa
inay hayadda UNICEF u dhaqantay si ka duwan sida ay u dhaqantay hayadda
UNESCO PEER oo weligeed-ba lagu xamman jiray inaanay af iyo adin toona
qarsan dagaalka ay kula jirto jiritaanka Somaliland iyo sida ay uga soo
horjeeddo qadiyadda madax banaaanida Somaliland. Sidoo kale hayadda la
yidhaahdo UNPOS oo ah hayaddii la odhan jiray UNISOM oo midab kale
yeelatay iyana horeba waa loo ogaa inay safka kaga jirto dagaalka ay
hayadaha qaar kula jiraan jiritaanka iyo qadiyadda aqoonsiga Somaliland.
Laakiin hayadaha UNPOS iyo UNESCO PEER iyo kuwa kale ee iyaguna wax ka
wada dagaalka iyo shirqoolada lagu minjaxaabinayo jiritaanka Somaliland
Nayroobi iyo meelaha kale ee ka baxsan dhulka Somaliland oo keliya kama
wadaan dagaalkooda ee xataa waxay ka wadaan gudaha Somaliland oo ay
xafiisyo ku leeyihiin, iyaga oo dadka isu tusa inay hawlo samafal wadaan,
balse waxa ay wadaan waa waxa aynu kor ku soo sheegnay iyo wax la mid ah. Top
Xukuumadda
Somaliland Oo Shaaca
Ka Qaaday Inay Talaabo Kama Dambays Ah
Ka Qaadayso Ajnebiga Sharci-darada Ku Jooga |
“Hay’adaha Sama Falka Caalamiga Ahi Way Iska
Dhego-Tireen Digniintii Hore, Maantana…” Wasiirka Daakhiliga
Hargeysa, Feb 6, 2004 (Haatuf) – Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda
Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumaddu
talaabo kama dambays ah ka qaadayso dadka aan Somaliland u dhallan ee
dalka ku sugan, ka dib markii ay dhamaatay mudooyin dhawr ah oo loo qabtay
inay dadka ajnebiga ahi dalka kaga baxaan, wuxuuna wasiirku sheegay in
laga bilaabo 14-ka bishan Jananweri ee aynu ku jirno ay ciidamada bileysku
qaadi doonaan olole ay dadka aan sharciga haysan ee ajnebiga ah ee dalka
kaga saarayaan. Sidaana waxa uu wasiirku ku sheegay shir-jaraa’id oo uu
shalay ku qabtay xafiiskiisa.
Hase yeeshee wasiirku waxa uu sheegay inay si taxader leh ula dhaqmayaan
dadka la saarayo, isaga oo dadka reer Somaliland ugu baaqay in dadkaa
xuquuqdooda aad loo ilaaliyo, hadii ay tahay dadka ay u shaqeeyaan iyo
hadii ay caam ahaan-ba tahay ilaalinta xuquuqdooda shakhsiga ah, taas oo
macneheedu yahay inaan wax dhibaato ah loo geysan ilaa inta ay baxayaan.
Wasiirka daakhiligu waxa uu digniin u jeediyey hayadaha samafalka
caalamiga ah oo uu ku tilmaamay inay ka dhego-adaygeen dalab ay wasaaradda
daakhiligu u gudbisay oo ahaa inay u soo gudbiyaan liiska dadka uu
go’aankani saameeyey, laakiin buu yidhi ay taa dhegaha ka furaysteen, hase
yeeshee mar kale ayuu wasiirku hayadaha samafalka caalamiga ah ku celiyey
digniintiisa ah inay soo saaraan dadka ay hoosta ku haystaan, isaga oo
sheegay inaanay dawladdu ogolayn in shaqooyinka ay dadka muwaadiniinta ahi
qaban karaan loo dhiibo dad aan wadanka u dhallan, wuxuuna wasiirku
tilmaamay inay hay’adaha samafalka caalamiga ahi hoosta ku wada haystaan
dad ajnebi ah oo dalka sharci daro ku jooga, sharci darona kaga shaqeeya.
“Hayadaha UN-ta iyo kuwa NGO-yada caalamiga ahi dhegaha ayey ka furaysteen
digniintii aanu hore ugu jeedinay ee ahayd inay noo soo gudbiyaan liiska
dadka ajnebiga ah ee aan sharciga lahayn ee u shaqeeya, kuwaas oo aanay
ilaa maanta noo soo gudbin, waxaanse maanta siinayaa digniintii kama
dambaysta ahayd oo ku eg 14 Febarweri 2004, waana inay si degdeg ah u soo
saaraan dadka aan sharciga lahayn ee ay hoosta ku haystaan”ayuu yidhi
wasiirku, iyadoo uu wasiirku amarka kama dambaysta ah ee saarista ajnebiga
u jeediyey saraakiisha taliska guud ee bileyska iyo masuuliyiinta iyo
saraakiisha gobolada iyo degmooyinka, isaga oo u sheegay inay fuliyaan
amarka kama dambaysta ah ee saarista. Wuxuuna wasiirku sheegay inay
furayaan xafiis si gaar ah u qaabilsanaan doona arimaha dadka ajnebiga ah,
xafiiskaas oo hoos iman doona laanta socdaalka, isla markaana ay ka
hawl-geli doonaan saraakiil ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha waxa uu
sheegay inay dadka ajnebiga ahi iska diiwaangelin doonaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in dadka ajnebiga ah ee buuxiya shuruudaha qofka
ajnebiga ah sharci lagu siin karo ay sharci siinayaan, hawshaasna uu qaban
doono xafiiska cusub ee loo furay hawlahaa, wuxuuna wasiirku sheegay in
ciddii isku dayday inay dhuumasho dalka ku joogto laga qaadi doono talaabo,
isaga oo madaxda dawladda iyo dadweynaha laftiisaba uga digay inay hoosta
geliyaan oo ay qariyaan dad ajnebi ah oo uu go’aankani saameeyey. “Laga
bilaabo 14-ka Feberweri 2004 ciidanka iyo gaadiidka bileysku waxay diyaar
u yihiin inay raafaan oo dalka ka saaraan dadka ajaanibka ee dalka sharci
darada ku jooga, waana inay shacbigu hawshaa bileyska gacan ku siiyaan,
isla markaana waa inaan dadkaa wax dhibaato ah loo geysan, hawshaasna waxa
u xilsaaran wasaaradda daakhiliga, iyadoo ay goboladana badhasaabadu ka
fulin doonaa hawshaa, loona diri doono saraakiil ka socda wasaaradda
arimaha gudaha iyo saraakiil ka socda laanta socdaalka oo la shaqayn
doona”ayuu yidhi wasiirku. Laakiin wasiirku waxa uu sheegay inay dad badan
oo ganacsatada reer Somaliland ah, gaar ahaan kuwa dhismayaasha ah iyo
weliba hudheelada waaweyn ay u soo gudbiyeen wasaaradda arimaha gudaha dad
badan oo ajnebi ah oo ay codsanayaan inaan laga saarin ee loo siiyo sharci,
isaga oo sheegay inay wixii suurtagal ah siinayaan sharci deganaansho ah,
hadana waxa uu intaa ku daray inay tirooyinka ay ganacsatada dhismayaashu
ay yihiin kuwo xaddi-dhaaf ah. Sidaa darteed loo baahan yahay inay dib
isugu noqdaan oo la yimaadaan wax macquul ah, isla markaana wasiirku waxa
uu ka digay inaan shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo loo xanibbin qof
ajnebi ah, sidoo kale waxa uu wasiirku muwaadiniinta reer Somaliland u soo
jeediyey inay si macquul ah u shaqaystaan oo ay iska daayaan qiimayaasha
qaaliga ah ee ay ku baayacaan shaqooyinkooda, taasina ay keentay inay
dadka wax dhistaa ka cararaan oo ay doontaan shaqaale jabban.
Wasiirku waxa uu ku celiyey inaanay talaabadani saamayn ku yeellanayn haba
yaraatee dadka baayacmushtarka ah ee ka ganacsatada Somaliland, isaga oo
si gaar ah farta ugu fiiqay dadka kililka 5aad ee Itoobiya oo xidhiidh
baayacmushtari la leh dalka iyo dadka Somaliland, wuxuuse wasiirku sheegay
in koleyba mar walba jirayo nidaam ganacsi oo ay tahay inay dadka aan
dalka u dhallani ku dhaqmaan.
Inkasta oo mudadii hore ee loo qabtay inay dadka aan wadanka u dhallan ee
aan sharciga haysani ay dalka kaga baxaan ay dhamaatay, taas oo ahayd
muddo 45 cisho ah waxay ku ekayd 7-dii Disambar 2003, laakiin mar la
waydiiyey sababta ay dawladdu mudadaa wax talaabo ah uga qaadi wayday waxa
uu ku jawaabay inay dawladdu ku mashquulsanayd arimo kale oo dhinaca
nabadgelyada ah, balse ay tani tahay digniintii kama dambaysta ahayd oo
ciddii mudadaa kama dambaysta ah ee loo qabtay iskood ugu bixi wayda
talaabo adag laga qaadi doono.
Top
Bileyska
Caynabo Oo Qabtay Saddex nin Oo Ajenabi Ah |
Caynaba, Feb 6, 2004 (Haatuf) – Saddex nin
oo ay dhalashadoodu kala tahay laba Tansaaniyiin ah iyo hal nin oo u
dhashay dalka Gaana ayey shalay qabteen bileyska degmada Caynaba, waxaana
nimankaa lagu xidh-xidhay saldhigga bileyska Caynaba, iyadoo ay nimankaasi
ka yimaadeen dhinaca magaalada dekedda ah ee Boosaaso.
Taliyaha bileyska Caynaba Jaamac Aadan Iidle ayaa weriye Haatuf ka tirsan
(Xadiis Maxamed Xadiis) oo hadda Caynaba ku sugan u sheegay inay
nimankaasi sharci daro dalka ku soo galeen, sababta xadhigooduna uu sidaa
ku yimi, wuxuuna taliyuhu intaa ku daray inay nimankaa dib dalka uga
masaafurin doonaan, iyadoo uu taliyuhu sheegay inay xadhiga nimankaa iyo
sida laga yeelayo ku war-geliyeen talisyada ka sareeya ee bileyska, ka
dibna uu go’aanku noqday in dalka dib looga masaafuriyo.
Labada nin ee u dhashay Tansaaniya waxay siteen baasaboorro dalkooda ah,
waxaana magacyadooda la kala yidhaahdaa Maxamed Cabdalle iyo Ammuur
Salluun, halka nin Gaaniiska ahna magaciisa la yidhaahdo LEEBUUNA, waxayna
nimankaasi sheegeen inay 10 maalmood ka hor Boosaaso yimaadeen, isla
markaana ay muddo 8 sannadood ka badan ka mid saarnaayeen Maraakiibta iyo
doonyaha ajnebiga ah ee ka kaluumaysta xeebaha Soomaalida. Hase yeeshee
sida uu ku soo waramay weriye Xadiis waxa nimankaa la socday nin isagu
sheegay inuu u dhashay Somaliland, ninkaas oo sheegay inuu nimankaa
kaluumaysatada ajnebiga ah kala xoogsan jiray xeebahaa. Wuxuuna taliyaha
bileyska Caynaba sheegay inay ninka reer Somaliland baadhayaan, ka dibna
marka ay xaqiijiyaan inuu reer Somaliland yahay ay soo fasaxi doonaan. Top
Bileyska
Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Shixnad Xayawaanka Diinka Ah Oo Dalka
Laga Dhoofinayey |
Hargeysa, Feb 6, 2004 (Haatuf) – Ciidanka
bileyska Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku dhigay gaadhi laga
buuxiyey xayawaanka nooca loo yaaaan Diinka oo si sharci daro ah la
doonayay in dalka looga saaro. Waxaana gaadhigaa oo nooca xamuulka ah ay
ciidanka bileyska ee saldhiga Iftin gacanta ku dhigeen, iyadoo laga rarayo
guri ku yaal Koonfurta Bari ee magaalada Hargeysa.
Wariye ka tirsan wargeyska Haatuf oo shalay booqday saldhiga Iftin ayaa la
kulmay gaadhiga lagu raray Diinka ee ay ciidanka bileysku qabteen, balse
taliyaha saldhiga ayaa ka gaabsaday inuu diinkaa sitay nin u dhashay dalka
aynu jaarka nahay ee Itoobiya, isla markaana uu ninkaasi markii ay
bileysku qabteen la soo baxay warqad, isagoo ku andacoonaya inay
wasaaradda Horumarinta reer miyiga ee Somaliland u ogolaatay oo uu fasax
kaga haysto inuu gurto Diinka, balse waxay sheegeen inay warqadaa ku
qornayd 30 xabo oo waqti hore loogu ogolaaday ninkaa, taas oo uu hore u
qaatay, isagoo waqtigaa ka raray madaarka magaalada Hargeysa.
Sidoo kale dad xogogaal ah ayaa wariyaha Haatuf u sheegay in xayawaan
badan oo xamaarato ah lagu uruurinayay guriga ay bileysku ka qabteen
gaadhigaa, waxayna wararku sheegeen inuu waqtigan jiro suuq xaami ah oo u
soo baxay Diinka oo hore dhinaca dalalka Carabta loogu isticmaali jiray
cunistiisa, balse xiligan dalal kale o ay ka mid tahay Itoobiya loo iib
geeyo, halkaas oo la sheegay in suuq xaami ah oo Diinka ah laga helay,
waxayna dadka suuqan ganacsiga Diinka ka warhayaa qaarkood sheegeen in loo
isticmaalo Daaweynta xanuunada halista ah ee dadka ku dhaca, iyagoo
tibaaxay in cudurka dunidu ka qaylinayso ee AIDS-ka lagu daweeyo, inta uu
yahay fayraska eenu isu rogin xanuunka AIDS-ka, taasuna ay keentay in
xiligan Somaliland oo ay diinka iyo xayawaanka kale ku badan yihiin si
suuq madow ah looga ganacsado. Top
Khabiir Reer
Pakistan Ah Oo Qirtay Inuu Faafiyey Sir Nukliyeerka Ah |
Islamabad, Feb 6, 2004 (W.Wararka) – Golaha
wasiirrada ee dalka Pakistan ayaa kulan yeeshay kaddib markii Dr Aku Khan
oo ah ninka dalka u sameeyey hubka nukliyeerka uu qirtay in isaga iyo qaar
kale oo ka tirsan saynisyahannada Pakistan ee uu madaxda u yahay ay
farsamada loo adeegsado samaynta hubka nukliyeerka ah faafiyeen.
Dr Aku Khan uma sheegin amuurtan si sugan, balse dalalka Iran, Libiya, iyo
Woqooyiga Kuuriya ayuu sheegay in ay yihiin kuwa ka faa'iiday. Golaha
wasiirrada ee Pakistan ayaa ka xaajoon doona sidii laga yeeli lahaa
codsiga Dr Khan ee ah in loo naxariisto.
Maamulka ra’samaalka nukliyeerka ee Pakistan oo ah maamulka qaran ayaa u
soo weeciyey amuurtan dhinaca golaha wasiirrada kaddib markii ay yeesheen
kulan deg-deg ah habeennimadii Arbacada.
Ajendada ugu sarreysa ee ay golaha wasiirrada ee Pakistan ka doodayaan
ayaa ah bal in la aqbalo naxariis dalabka Dr Khan iyo in kale.
Labadii bilood ee ay saraakiisha Pakistaan wadeen baadhitaanka ku saabsan
hawsha faafinta nukliyeerka Pakistan ee saynisyahannada, waxay
hoggaamiyeyaasha dawladdu mar walba ku cel-celinayeen digniin ku saabsan
in la xoojin doono sharciga oo la soo taago ciddii lagu helo dembiga ah
faafinta sirta nukliyeerka ee Pakistan.
Laakiin, haddana markii la soo gaadhay xilligii go'aanka la qaadan lahaa
ayaa laga yaabaa in uu dabac ku yimid go'aankii dawladda.
Dacwad lagu soo oogo Dr Khan haddaba waxaa dhici karta in ay keento cadho
weyn oo guud ahaan shicibka reer Pakistan ay ka cadhoodaan amuurtaasi,
waayo Dr Khan waxaa si weyn looga qaddariyaa guud ahaan dalka kaddib
markii uu waddanka ku soo daray naadiga dawladaha leh quwadda nukliyeerka.
Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Pakistan ma rumaysna in Dr Khan aanay
marna dawladdu u saamixi in uu faafiyo sirta nukliyeerka sida uu habeenkii
Arbacadii ka caddeeyey telefishanka dalka.
Mid ka mid ah wargeysyada dalka ayaa daabacay in loo baahan yahay in la
kala caddeeyo ku lug lahaanshaha dawladda amaba milatariga ee amuurtan
waayo Dr Khan waxa uu qirtay oo keliya qeyb ka mid ah xaqiiqada.
Amuurtani fadeexada ahi waxay si weyn u dhaawacday sumcadda Pakistan ee
lagu ogaa dawlad masuul ah oo leh quwadda nukliyeerka, haatanna waxay
dawladdu si weyn isugu deyi doontaa in ay amuurtan mar uun dhinac isaga
dhigto weliba sida ugu dhakhsaha badan. Top
IFTIINKA
ISLAAMKA: Xukuumadda Ingiriiska Oo Ku Fikirtay Inay Iibsato
Risaaladdii Uu Nebigu (CSW) Boqor Hirqal |
Siciid I Guraase
London (Sharqul-awsad): Xukuumada Ingiriiska ayaa u holatay sanadkii
1973-kii inay iibsato Risaaladii ama Waraaqdii uu Nebi Maxamed SCW uu u
diray imbaraadoor Hirqal oo ahaa boqorkii Ruum oo la sheegay inay haysay
xaaskii uu ka dhintay boqor Faysalkii labaad ee Ciraaq, taas oo la
rumaysan yahay inay tahay qoraalkii asalka ahaa ee uu rasuulku gacantiisa
ku qoray.
Sida ay shaaca ka qaaday warbixin la soo saaray dhawaan ka dib markii ay
30 sanadood ka soo wareegtay isku daygaa xukuumada Ingiriiska ee ahaa inay
iibsato waraaqdaasi, oo uu qoray wargeyska sharqul-awsad ee ka soo baxa
London waxa ay ujeedada dawladda Ingiriisku ahayd inay marka ay iibsato
hadiyad u siiiso boqor Faysal Binu C/casiis oo markaa ahaa boqorkii
Sucuudiga, iyada oo ay jirtay xiligaa xayiraad ay dawladaha Khaliijku ku
soo rogeen shidaalkooda, iyagoo diiday inay ka iibiyaan dawladaha reer
galbeedka, taas oo ay kaga ashkatoonayaan taageerada ay dalalkaasi
siinayeen Israa’iil, si boqor Faysal marka hadiyadaa la siiyo uu u dabciyo
mawqifkiisii ku wajahnaa reer galbeedka.
Waxa iyaguna tartan kula jiray dawladda Masar iyo madaxweynaha imaaraadka
carabta Sh-Saayid binu Suldaan Aala-nahyaan oo iyaguna dhinacooda ka
doonayey inay iibsadaan Risaaladaasi, laakiin waxa la sheegay inay xaaskii
boqor Faysalkii Ciraaq diiday codsi uga yimid dawlada Masar. Sida ay
warbixintu sheegtay fikirka xukuumada Ingiriiska waxa is hortaagay dood ka
dhalatay waxa uu boqor Faysal ka yeelayo haddii waraaqdii uu rasuulku
qoray ay u geeyaan dad aan islaam ahayn, taas oo laga baqay inay aad uga
sii cadhaysiiso boqor Faysalkii Sucuudiga.
Dooda arrintani waxa ay dhexmartay madaxdii xafiiska arrimaha dibeda ee
Ingiriiska sanadkii 1973-kii ka dib markii bishii oktoobar ee 1973-kii uu
dhacay dagaalkii bishii October dhexmaray Israa’iil iyo Carabta, markaas
oo ay dawladaha Khaliijka oo ay hogaaminayso dawlada Sucuudigu ay xidheen
shidaalkooda, markaas oo ay dawladaha reer galbeedku u baahdeen wax ay ku
soo jiitaan boqorkii Sucuudiga boqor Faysal binu C/casiis, ka dibna
madaxda xafiiska arrimaha dibeda ee Ingiriisku waxa ay ogaadeen in xaaskii
uu ka dhintay boqor faysalkii labaad ee Ciraaq inay hayso Risaaladii uu
rasuulku CSW u diray imiraadoor Hirqal oo ahaa boqorkii Ruum oo ka mid
ahayd labadii quwadood ee ugu waaweynaa Cahdigii Rasuulka SCW. Risaaladana
waxa uu bandhigay Rasuulku Islaamka isaga oo ka codsaday inuu muslimo,
taas oo la rumaysan yahay inay ka mid tahay saddex risaaladood oo laga
hayo 70 risaaladood oo uu Rasuulku u kala diray madax iyo masuuliyiin
caalamka ka tirsanaa xiligaa, kuwaas oo uu ugu bandhigayey Islaamka.
Sidaadarteed xukuumada ingiriisku waxa ay ku hamiday inay iibsato
risaaladaa Laakiin isku daygaa xukuumada Ingiriiska waxa car-qaladeeyey
markii ay soo baxday cabsi ku wajahan in uu boqor Faysal ka cadhoodo
haddii ay risaaladii rasuulka u geeyaan dad aan Islaam ahayni.
Warbixintuna may sheegin halka ay arrintaasi ku biyo shubatay iyo halka ay
ku dambaysay risaaladii Rasuulka ee ay haysay xaaskii boqor Faysalkii
labaad ee Ciraaq.
Soomaali Xajka sannadkan ku dhimatey
Tirada Xujaajta ku dhimatay oo gaadhay 251
Masuuliyiinta dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in tirada xujaajta ku
dhimatay dhulka barakaysan ay gaadhay 251 qof, ka dib markii ay dhinteen
todoba ka mid ah dadkii ku dhawaacmay Dhagax tuurka Caqaba maalintii
doraad oo markii hore ay tiradoodu ahayd 244 qof.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga dadka dhintay
waxay u badan yihiin Indoonisiyiin iyo Bakistaaniyiin, ayna ka mid yihiin
laba qof oo Somali ahi, tiro koobka ay soo saartay wasaaraddu waxa uu
sheegay in dadka dhintay ay kala yihiin sidan:
Indonesia: 54 qof
Bakistan: 36 qof
Masar: 13 qof
Turkiga: 11 qof
Hindiya: 11 qof
Al-jeriya: 10 qof
Bangledish: 10 qof
Sudan: 8 qof
Morocco: 7 qof
Shinaha: 5 qof
Yemen: 4 qof
Siralanka: 3 qof
Sucudiga: 2 qof
Suriya: 2 qof
Somaliya: 2 qof
Afganistan: 2 qof
Tunisiya: 1 qof
Cumin: 1 qof
Purma: 1 qof
Najeria: 1 qof
Jaad: 1 qof
Komoruun: 1 qof.
Sidoo kale, waxa jira dad lagu qiyaasay 58 qof oo aan ilaa iyo hadda la
aqoonsanin meelaha ay u kala dhasheen, kuwaas oo ay baadhayaan ciidamada
amaanka ee Sucuudigu.
Inkastoo ay dhacday dhimashadaasi haddana xujaajtu waxa ay sii wataan
gudashada xajka gaar ahaan rugniga dhagax tuurka oo ah saddex maalmood,
taas oo si caadi ah u socota, iyadoo ay ciidamada amaanka ee Sucuudigu
adkeeyeen amaanka xujaajta iyo nidaaminta habka gudashada waajibaadkiisa.
Dhacdadaasi naxdinta leh ka dib boqorka sucuudiga boqor fahad binu c/casiis
ayaa ku dhawaaqay qorshe balaadhan oo lagu hore marinayo goobaha
barakaysan ee maka iyo Madiina 20-ka sanadood ee soo socda isaga oo
boqorku magacaabay gudi qaran oo arrintaasi qaabilsan kuwaasoo yeelan
doona miisaaniyad gaar ah, si looga hor tago hdibaatooyinka ka dhaca Xajka.
Xilliga sheydaanka tuurka oo ah xilliga ugu khatarta badan ayey dawladda
Sacuudigu bishii hore ku dhawaaqday istraatiijiyad isku xidhan oo lagu
xakamaynayo dadka faraha badan si looga samatabaxo musiibooyin keena
dhimasho inta uu socdo xilliga xajka.
Dadka xujaajta ah waxaa koox-koox loogu soo sii deynayaa buundada labada
dabaq ah, iyadoo la xadeynayo tirada markiiba la soo deyn karo, ciidamo
khaas ahna meesha ayaa si deg-deg ah loogu soo fasaxaa si ay dadka u kala
ceydhiyaan haddii uu yimaado is-jiidh jiidh.
Dadka ehlu diinka ahna waxaa loo sheegaa in ay dhaqso meesha iskaga tagaan
marka ay dhammaystaan dhagax tuurkooda, si markaas loola tacaali karo
samatabixinta xujeyda ama suuxda amaba meesha ka soo bixi kari weyda
cirdhidhiga dartiis.
Dhaq-dhaqaaqa xujeyda waxaa sidoo kale lagala socdaa shaashad telefishan
oo loogu talo galay.
Sannadkii hore 14 xujey ah ayaa ku dhimatay maalintii koowaad ee dhagax
tuurka, 35-na waxay dhinteen sannadkii 2001-dii isla goobtan, laakiin
sannadkii 1998-dii xajka waxaa ku dhimatay 118 qof iyadoo 180 kalena ku
dhaawacmeen isla goobta dhagax tuurka.
Waxaa intaasi weheliya in 58-qof oo kale oo xujeyda ka mid ahayd oo
dhimatay la garan waayey dhalashadooda sida lagu muujiyey liiskaasi
inkastoo haddana la sheegay in saddex ka mid ahi ay yihiin dad ka soo
jeeda xagga koofur-bari qaaradda Aasiya.
Wasiirka Xajka ee dawladda Sacuudigu wuxuu sheegay in tirada dadka xujeyda
ee lagu talo galay oo ilaa laba milyan ahayd ay sannadkan aad uga
badnaayeen tiradaasi, waayo waxaa jiray buu yidhi tiro badan oo xujey ah
oo u yimid cumro dabadeedna iska sii joogeen ilaa xajka, taasoo xad dhaaf
ka dhigtay tirada xujeyda.
Wasiirku wuxuu sheegay in 2000 oo ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka
lagu biiriyey hawlgalkii la isku dayayey in wax lagaga qabto
jiidh-jiidhkii socday si ay u xoojiyaan ilaa 10,000 oo kale oo boolis ah
oo hawsha hore ugu jirtay.
Inkastoo ay dhacday dhibaatadaasi ay dadka badan ku dhinteen ee dadka lagu
tuntay, haddana gelinkii dambe ee Axaddii waxay hawshu u socotay sidii
caadiga ahayd.
Dadku waxay ku qeylinayeen Allaahu Akbar iyagoo toddoba dhagax oo yar-yar
uu xaaji kasta tuurayey isagoo jooga dibadda weegaar yar amaba buundo
xaggeeda sare looga sameeyey, hawshaasi oo soconaysa saddex maalmood,
waxaana dhagaxdaas lagu tuuraa mid kasta oo ka mid ah tiirar shub ah oo
dhererkoodu dhan yahay 18 mitir, kuwaasoo calaamad u ah sheydaanka.
Tiirarkan u taagan sheydaanka waxay isu jiraan 155 mitir, inta badanna
xaaladda dadka halkan waa la ilaaliyaa waayo dadka oo dhan waxay isku
dayayaan in ay aad ugu soo dhawaadan tiirarka si ay dhagaxa si fiican ugu
dhuftaan.
Sida ay diintu qabto, sheydaanku waxa uu isla goobtan kaga soo baxay Nebi
Ibraahim, wiilkiisii Ismaaciil iyo xaaskiisii, iyagoo sheydaanka ku tuuray
min toddoba dhagax.
Inkastoo ay dhibaatadani dhacday haddana, xujeydu si caadi ah ayey
waajibaadka xajkooda u sii wateen gelinkii dambe ee shalay.
Labadii maalmood ee ka horreysay shalay waxay xujeydu hawshoodu ku guteen
si nabad ah iyadoo ammaankana si weyn loo ilaalinayey, laakiin haddana
maamulka Sacuudigu waxay sheegeen in ay magaalada Riyaad ka soo qabqabteen
maalintii Khamiistii toddoba nin oo la rumaysan yahay in ay ka
tirsanaayeen koox argagaxiso ah oo qorsheynayey weeraro.
Dhimashadii ugu darnayd ee ka dhacda Xajka waxay ahayd bishii Luulyo ee
sannadkii 1990, goortaaso ay ku dhinteen 1426 qof kuwaasoo is-dardaray
qaarna ay neef qabatoobeen ilaa ay dhinteen gudaha buundada Mina ee laga
hoos duso. Dhimashooyin kale oo uu sababay dab ayaa iyaguna jiray oo xajka
ka dhacday.
Ilaa intii uu xukunka Sacuudigu qabtay Boqor Fahad sannadkii 1982, isla
markaana uu qaatay magaca ah u adeegaha labada xaram ee Barakaysan ee Maka
iyo Medina, waxay dawladda Sacuudigu bixisay ilaa 27 bilyan oo doollar si
loo ballaadhiyo goobahaasi barakaysan ee sannad kastana soo jiita
malaayiin dad ah in ay yimaadaan. Top
AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 39aad |
Haddaba, Aadan iyo gashaantidii loo aroosay
markii aqalkii loo baneeyay ayay dhallinyaradii ragga ahayd ee
ilma-adeeradii sanqadh-dhegaysteen.
Aadan iyo gashaantida loo xereeyay, waxba islamay ogolaan, taasina waxay
dhalisay dagaal-cumuruqii ragga iyo haweenka, dabadeedna waxa bilaabmay
legdan iyo giriftan, arrinina mar haddii aanu jirin wax laysla ogolyahay,
waxay noqotay qofba taagtiisu halka ay dhigto.
Dhallinyaradii Aadan ilma-adeeradii, waxay kadkadaloobaan aqalka
hareerihiisa, wayna dhegaysanayaan waxa meesha ka socda, waxayna Aadan
ilma-adeeradii doonayaan inay ogaadaan Aadan iyo gabadha bal kooda reerka
u hadha.
Dhaqanka ilma-adeer-nimo ee ah inay dhallinyarada ragga ahi haddii ay
naagtu ninka ka adkaato ay hadhow u gurmadaan ka sokow, dhallinyarada
aqalka Aadan hareerihiisa kadaloobta, waxa inta ilma-adeernimada u dheer
inay Aadan sir ka qabtaan oo haddii ay naagtu ka adkaato hadhow ku
jareexeeyaan.
Hase yeeshee intii aan taaba la isla gaadhin, ayaa ninkii Aadan oo
giriftankii la daba-dheeraaday, waxa markii dambe ka baxsatay dhuuso yar
oo nooca biiq-dheerta ah ee meel fog laga maqlo ah. dabadeedna nimankii
dhallinyarada ahaa ee Aadan jareexadu ka dhexaysay oo dadabta aqalka
kadalooba ayaa markii ay maqleen dhiiqdii neeftii yarayd ee duburta Aadan
ka soo fakatay qosol jaanta wadhay.
Aadan oo markiisii horeba ka shaki qabay inay qolyihii ay jareexadu ka
dhexaysay dadabta u soo gelayaan, ayaa qosolkii maqlay, dabadeedna intuu
naxdin la qaboobay ayuu hoosta ka yidhi: “Waar kuwii baa caawa sir iga
qabtay oo weliba ceebtayda iyaga oo i maqlaya dhuuso iga soo baxday,
Alleylehe caawaan carro-edeg ka baxay.”
Laakiin wuxuu ku guulaystay inuu gabadhii barbar iskaga rido.
Nimankii dhallinyarada ahaa ee aqalka dadabtiisa soo galay, goor
waa-soo-dhowaadkii ah ayay meeshi ka kaceen, iyaga oo sir culus ka haya
Aadan. Hase yeeshee Aadan, wuxuu isku qanciyay inaanu ceeba iyo
magac-xumada caawa raacday degmada ku dhex-noollaan karayn, sidaa darteed
wuxuu go’aansaday inaan arlada waa ugu beryin. Dabadeedna, wuu guura-galay.
Sidaa ayuuna Sucuudiga ku galay, gabadhii uu aroostayna habeenkaa ayaa ugu
dambaysay, Cawil-na qisadaa ayuu uga sheekeeyay.
Aadan markii uu sideed (8) sannadood Sucuudiga ku maqnaa, ayuu maalintii
dambe is yidhi iminka arrintii la ilowye dhulkii gaadh, wuuna soo dhoofay,
Hargeysa ayuuna ka soo degay, wuxuuna degdeg ugu gudbay degsiimadii
reeruhu degi jireen.
Aadan meel tuulo ah oo degmada dhexdeeda ah, ayuu baabuur kaga degay,
waxaana halkaa looga tilmaamay halka reerkoodu deggan yahay, wuuna ku
tibbaday. Dabadeedna markuu jiiddii reerka loogu soo tilmaamay yimi, ayuu
arkay reer shan aqal ah, wuu ku leexday, wuxuuna isla taagay wiil yar oo
xuur ah oo Naylo la jooga guriga kambalkiisa, wuxuuna Aadan wiilkii yaraa
ku yidhi: “Waar yarkow, reermaad tihiin.”
Kii yaraa baa Aadan u sheegay qoladiisa, saa waaba Aadan qolodoodii,
laakiin wuxuu haddana yarkii weydiiyay; “Oo waa kuma reerku.”
Yarkii baa u sheegay, saa waaba Aadan reerkoodii.
Aadan baa markuu gartay inuu reerku reerkoodii yahay, wiilkii yaraa ku
yidhi: “Oo adigu ina ayo ayaad tahay.”
Kii yaraabaa yidhi: “Ina Aadan baa lay yidhaahdaa.”
Aadan baa yaabbay markii uu kii yaraa ku yidhi ina Aadan baan ahay, waayo;
Aadan arliga ku ogeyn wax ubad ah oo uu dhacay, laakiin wiilka yari
habeenkii uu arooska ahaa ayuu calool galay.
Dabadeedna Aadan oo ka yar iska hubsanaya, ayaa yidhi: “oo waxaa ku
weydiiyay aabahaa meeyay, miyaanu joogin.”
Dabadeedna kii yaraa oo maskaxda ku haya hadaladii ay dhallinyarada
reeruhu ku jaraxayn jireen ee ka yar lagu odhan jiray marka uu yidhaadho
aabahay meeyay, ayaa ku jawaabay: “Aabahay intuu dhuusay beri hore ayuu
baxsaday, dabadeedna dib dambe looma arag, meel uu jirona ma garanayo.”
Dabadeedna ninkii Aadan ayaa intuu si weyn u sakatiyey oo dib u boodday
ayuu yidhi: “Oo weli miyay xusuusan yihiin dhuusadii yarayd ee dhawr iyo
toban sannadood ka hor iga baxsatay.”
Aadan kii yaraa su’aal dambe ma weydiin ee degdeg ayuu uga dhaqaaqay,
wuxuuna u noqday dib, halkaas oo uu isaga oo shandadiisii tuurta ku sita
dib uga dhoofay Madaarkii uu ka soo degay, wuxuuna tegay Sucuudigii uu ka
yimi, isaga oo aan cidna arag, dib dambena cidna ulama xidhiidhin, umana
soo dhoofin.
Sheekadaa ayuu Aadan uga sheekeeyay Cawil, dabadeedna Cawil ayaa isna
qisadiisii ka sheekeeyay.
Cawil iyo Aadan habeenkii oo dhan arrimahaa ayay ka sheekaysanayeen, waana
markii u horeysay ee ay arrimahooda ka sheekaystaan, laakiin mid waliba ka
kale ayuu la yaabbanaa waxa ku dhacay iyo qisadda wadankii kaga soo
dhacday, iyadoo sidii ay u sheekaysanayeen uu waagii galalac yidhi, wayna
shaqo tageen. Hase yeeshee, habeen labaadkii ayay sheekadii halkii ka
bilaabeen, waxaanay markii dambe uga sii gudbeen sheekooyin la xidhiidha
dhinaca mustaqbalkooda iyo sidii ay u guursan lahaayeen, waxayna isu
baaciyeen tallooyin ku saabsan sidii ay u guursan lahaayeen.
Dabadeedna Cawil baa yidhi: “Waar saaxiib, waanigaa wixii igu soo dhacay
kaaga warramaye, bal waxaad iiga warrantaa sidii wadankii u tegi lahaa ee
aan gabadh Soomaaliyeed u soo guursan lahaa.”
Aadan oo ku guubaabinaya calool-adayg, isaguna iska dhigaya nin
calool-adag ayaa Cawil ku yidhi: “Waar intaad barigiiba iska dayso, waxaad
tagtaa Hargeysa iyo dhinaca galbeedka, dabadeedna ileyn lacag baad
haysataa oo cidna uma baahnide gabadh soo guurso.”
Cawil baa Aadan u celiyay: “Oo Saaxiib maad i raacdid ilaa Hargeysa oo
arrimahana ila wadid, Milxiisna ii noqotid.”
Aadan baa ku jawaabay; “Waar aniga Hargeysa reerahayagii baa jooga oo
haddaan tago i garanayee, ee adigaan ciddina kaa garanayne taw dheh oo
gabadh ka soo guurso.”
Cawil sidii ayuu go’aansaday, wuxuuna ku calool-adaygay inuu Hargeysa tago
oo gabadh ka soo guursado, isaga oo doonaya inuu ka fogaado meel laga
garanayo. Dabadeedna wuxuu bilaabay diyaar-garow iyo xidh-xidhasho, isaga
oo isu diyaarinaya dhoof Hargeysa ah.
Cawil bil kadib ayuu fasaxii shaqada galay, wuxuuna degdeg u goostay
Tigidhkii diyaaradda ee Hargeysa, wuuna dhoofay.
Cawil goor Casar-gaab ah ayuu Madaarka Hargeysa ka soo degay, wuxuuna
Madaarka ka soo kaxaystay Tagsi, isaga oo tagsiilihii ku yidhi, hudheel
hurdo i gee.
Cawil, weligii Hargeysa ma arag, sidaa darteed waa markii u horeysay ee uu
Hargeysa cagaha soo dhigo, laakiin Cawil ujeedo keliya ayuu Hargeysa u
yimi, taas oo ah inuu gabadh ka soo guursado. Sidaa darteed, intii uu
tagsigu jidka la soo socday Cawil indhihiisu waxay ku maqnaayeen hablaha
minja-casta ah ee suuqyada magaalada dhex mushaaxaya iyo qaar kale oo
guryaha hor fadhiya.
Cawil, wuxuu ka yimi Sucuudiga oo aanay mar qudha ishaadu bidhaan naageed
qabanayn, dabadeedna wixii hablo kala nooc-nooc ah ishiisu ku dhacaysay,
ayuu ku indho-darraandaray, isaga oo hadba mid isha la sii raacaya oo leh,
tolow ma taasaad guursataa, mise teer, laakiin waxa uu hoosta ka leeyahay;
“Tolow, belaayadan hablaha ah, yaa baas oo la hadla oo ku yidhaahda
ninkani waa guur-doon, waana nin Janaale ah.”
Cawil, wuxuu wal-waalayaan shandad weyn oo uu ka soo buuxiyay marriinkii
uu ugu soo talo-galay naagta uu doonayo inuu guursado, kuwaas oo isugu
jira dhar iyo dahab….
La soco. Top
GEDDEENAAS OO
KALEY GEEDUHU NAF U LEEYIHIIN
Maxaad Ka Taqaan Dhirta Iyo Deegaanka?
Q: 25aad |
Macluumaadka qoraalkani xambaarsan yahay,
waxaanu ka soo min-guurinay buug aan weli daabacaadiisa la sii daynin oo
la yidhaahdo DHIRTA IYO DEEGAANKA, kaas oo ay isku soo ururisay hay’adda
Maraykanka ee SAVE The Children U.S.A, xafiisyadeeda Hargeysa iyo Jig-jigga
ee Kilalka 5aad.
Buuggan oo weli qabyo ah, waxa ka bannaan cidii garanaysa macluumaad ku
saabsan deegaanka iyo dhirta dhulka Soomaaliyeed oo buuggan ka maqan.
Geed Nagaadh
Mandooyo
Waa geed madow oo gaaban oo dhuuban isla markaana dhud kal yaale u baxa oo
baar firidhsan leh iyo caleemo yar yar sida ganaqan doolida oo ay aad
isugu dhow yihiin. Geedkani wuxuu leeyahay badni yar oo uu ku dhex jiro
dhuux macaan, oo dadku aad u jecel yahay, gaar ahaan carruurta, caleenta
geedkana xooluhu aad ayey u jecel yihiin, gaar ahaan adhiga,
Galoolyaa
Waa geed gaaban oo u baxa sida qodaxtoosha, kana baxa biyo mareenada,
dooxooyinka iyo dibirka. Geedkan xoolo daaqeen mooyiye wax kale oo nacfi
ah oo uu leeyahay ma jirto.
Foodcase
Waa geed ka mid ah geed nagaadhka, waana geed sida magaciisa ku cad bixiya
ubax aad u qurxoon. Geedkani wuxuu ka baxaa buuraha dhambacyadooda,
gollaha, biyo mareenada iyo suubaan-goglaha. Geedkani waa geed xooluhu
jecel yihiin, gaar ahaan geela iyo adhiga.
Qaanwaaliye
Waa geed madow oo aan weynayn dherer iyo ballactoona. Geedkani wuxuu ka
baxaa gowga ama miiraha, buuraha dhagaxa guduudan leh iyo bannaanka ciida
guduuddan kala soocood. Geedkan midabkiisu waa cagaar caddaan xigeen ah,
geedkani waxaa eryada ama raadiya geela oo aad u jecel.
Dhallaan dhuuxi
Waa geed madow oo buruq ah gun iyo baarba, dhammaan geedka oogadiisa waxaa
ku taxan qodax. Geedkani wuxuu ka hoos baxaa geedaha hoostooda, baarkana
wuxuu kaga martaa geedka uu ka hoos baxayo. Geedkani wuxuu leeyahay muruq
ay carruurtu ku toog barato, sida leebka murjinka, iyo shacdurka. Geedkan
waxaa lagu daweeyaa shaashada nirgaha geella, waxaa kale oo lagu daweeyaa
shubanka carruurta.
Awra dhaye
Geedkan oo geed nagaadhka ka mid ah, isla markaana gaaban, sida geedaha
kala ah balanbaalka ama cadcadaha ayuu baxaa, wuxuuna ka baxaa ciidda
guduuddan iyo suubaanka. Geedkani wuxuu ku fiican yahay xoolo-daaqeenka
iyo boogo-dhayidda, dad iyo duunyaba. Geedkani wuxuu magaca kula baxay,
wuxuu leeyahay dufan xoolaha ku reeba habeed.
Madax konton
Geedkan sida geedka loo yaqaan qodaxtoosha sideeda ayuu u baxaa, geeluna
wuxuu u daaqaa sida qodaxtoosha oo kale, sideedana wuu u gaagaaban yahay,
wuxuuna leeyahay madaxyo kuukuusan oo laa-le’eg saalo-geesha. Wuxuu ka
baxaa geedaha hoostooda iyo areerinkaba, gaar ahaan meelaha dhagaxa leh.
Geedkan riyaha ayaa daaqa oo jecel.
Geed hule
Waa geed gaab aad u madow aadna u adag, taabashadana kugu xaganaya sida
jillabka. Waa geed gaaban oo isku cufan. Geedkan haddad jabiso, wuu
kurmayaa, wuxuuna leeyahay dhuux leh calaamad madow oo afar gees ah.
Geedkani wuxuu ka mid yahay geedaha ugu tirada yar geedaha ka baxa,
deegaankeenna. Geedkan waxaa lagu daweeyaa cudurka loo yaqaan hulaha, hase
yeeshee geedku waa ku taangaab deegaankeenna
Uneexo
Geedkani waa geed gaab oo ka mid ah geed nagaadhka, waa geed gaaban oo cad
laftiisa iyo caleentiisaba iyo weliba midhihiisaba. Geedkan wuxuu dhulka
kor uga kacaa hal taako, kaddibna laamihiisu dhukaayey dib ugu noqdaan,
waxayna qariyaan ciidda, una qariyaa si gambis ah. Geedkani wuxuu bixiyaa
midho khudaar ah oo uu qarsado, kuna qarsado laamihiisa iyo caleentiisa
sababtoo ah midhahaasi waxay ka baxaan geedka gudihiisa ee kama baxaan
geedka dushiisa. Midhahan iyo caleenta geedka lama kala garan karo,
sababtoo ah waxaa lagu helaa rog-rog iyo baadhis badan; midhahaasi maaha
kuwo yaryari loo arki waayey, ee caleenta ayaa ku dedan oo qarisa mar
walbana nooca ay caleentu tahay ayey midhuhuna yihiin: - haddey caleentu
madow tahay midhuhuna waa madow. Hadday caddahayna midhuhuna waa caddaan,
siyaabahaa ayaa ka mid ah sababaha keena in baadhis lagu helo.
Geedkani wuxuu ka baxaa dhammaan ciidaha oo dhan, haba ku kala badnaadeene.
Geedkan waxaa laga helaa cunto ah midhihiisa oo kaliya waana isku dhadhan
oo waa isku macaan, isku waxtar, haddii ay bislaadaan iyo hadday qaydhiin
yihiinba.
Askax
Waa geed gaaban oo ka mid ah geed nagaadhka, marka loo eego xagga gaabnida,
geedkan waa geed cad oo aad ugu eg geedka Tamaandhada, wuxuuse kaga duwan
yahay xagga midhaha. Geedkani waa geed caleemo waaweyn leh, marka loo eego
xagga daalka. Geedkani wuxuu u baxaa dhudkaliya oo la rujin karo, iyo
laamo isu dhow. Geedkani waa geed nugeyl daloola oo jileeca kala mid ah
geedka Tamaandhada.
Geedkan diraacdii aad looma arko oo geedkani sida geedaha kale ee
gaagaaban qaarkood kama baxo geedaha hoostooda ee wuxuu ka baxaa meel
banaan wuxuuna u baxaa keli keli.
Geedkani midhaha uu bixiyo waa kuwo isku daboolan sida baakeedka, dushana
ku leh kurtimo fara badan oo jilicsan, gudahana ku leh suuf. Geedkani
wuxuu ka baxaa, una badan yahay ciidda subaanka iyo ciidda guduudan.
Faa’iidada geedkan: -
Midhihiisa oo la cuno
Suuf ku wanaagsan jiifka
Waa geedaha daawada sunta qaniinyada halaqa, gaar ahaan maska.
Haddaba innaga oo ku guda jirra dhammaan geedaha ka baxa deegaankeenna iyo
faa’iidooyinka ay u leeyihiin noolaha isugu jira dad iyo duunyaba, si toos
ah iyo si dadbanba, waxaynu hadda dhamaynay ama intaas kaga gudbeynaa
geedihii ahaa geed nagaadhka, intaasina waxay ku ekeyd intaanu ka
garanaynay. Sidaa daraadeed, waxaanu u gelaynaa noocyada geedaha ee geed
saarka iyo geed yaalka oo ka mid ah qaybaha geedaha ee inoo hadhsan;
waxaana inoogu xigi doona labadaa nooc, nooca kale ee loo yaqaan geed
cawska.
Geed Saarka
Haddaba, saddexdan nooc aanu mid mid u billowno sheekadooda innaga oo ku
horreynayna geedaha loo yaqaan geed saarka: -
Geedsaarka waxaa ka mid ah ama ay u kala baxaan saddex iyo toban (13) geed
oo ay magacyadoodu kala yihiin: -
Gacma dheere
Gasaangas
Saar saar
Doonbir sabaato
Ilgeel
Geesa riyoole
Doonbir biyood
Cilal
Geed naar
Kor dhis
Carrablo’aadle
Marooro
Madax buq
La soco. Top
|