Shaqaalaha Shirkadda Shisheeyaha Oo Ka Baxaya Sucuudiga
Sharon Oo Ku Guul-Daraystay Hindise Uu
Watay
Maamulka Boorama Oo Go’aamo Ka Soo
Saaray Dhulal Lagu Muran-Sanaa
“Maya, Ma Jiraan Ciidamo Aanu Hargeysa
Ka Dalbanay … Maya, Biyuhu Way Qaramaysan Yihiin”
Maayarka Ceerigaabo- Wareysi
Reer Gebilay Oo Sagootiyey
Macalimiin Reer Masar Ah
Hay’adda SOS Iyo Dugsiga Sare Ee
Sheekh
Maamulka Ceerigaabo Oo Toosh Ku
Baadi-Doonaya Dhulkii Dawladda
Qaar Ka Mid Ah Fanaaniinta Dalka Oo
Walaac Ka Muujiyey Heshiiska Lagu Bixiyey Tiyaatarka Hargeysa
Golaha Wasiirada Iyo Falanqaynta
Miisaaniyadda 2004
Xil Ka-Qaadista Wasiirkii Ganacsiga
Iyo Arrimaha Ay Ku Kala Khaatumo
Seegeen Madaxweyne Rayaale Iyo Maxamed Xaashi
WAADIGA CIYAARAHA: Kooxda Liibaan Oo
Ku Guulaysatay
Koob Xuska Marxuum Cigaal
Isu-Duwaha Ciyaaraha Gobolka Hargeysa
Oo Ka Hadlay Soo Xulista Xulka Kubadda Cagta Uga Qayb-galay Tartanka
Gobollada
AC Milan Oo Koobka Horyaalka Liiga
Talyaaniga Ku Guulaysatay Markii 17aad
Maraykanka Oo Sheegay Inay
Ciqaabayaan Askartiisa
Jidhdilka xun U Geysatey Maxaabiista Reer Ciraaq
Mexico Iyo Cuba Oo Xiisad Siyaasadeed
Ka Dhex Aloosanatay
|
|
Shaqaalaha Shirkadda
Shisheeyaha Oo Ka Baxaya Sucuudiga |
Riyadh May 4, 2004 (W.Wararka) Weeraro argagixiso oo
dhawaanahan ka dhacay Sucuudiga ayaa khalkhal geliyey amaanka iyo
degenaanshaha Sucuudiga iyadoo ay ka hadleen madax ka tirsan dawladda
Sucuudigu.
Amiir Cabdallah oo leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga oo arintan ka
hadlayey waxa uu yidhi “waan hubaa in 95% waxa Sucuudiga ka dhacey ay
wadaan dad wada danaha Sahyuuniyadda” oo loola jeedo Yuhuudda.
Amiir Cabdallah muu bixin wax uu ku cadddeynayo amuurtaasi, mana cadda in
warkan oo laga sii daayey wakaaladda wararka ee ay dowladda Sacuudigu
leedahay loola jeeday oo keliya in ay dadka reer Sacuudiga dhagaystaan.
Amiir Cabdallah, waa ninka la sheego in uu isagu gaadho go'aanada ugu
muhiimsan ee Sacuudiga, ulama jeedin in Yuhuuddu ay dhab ahaantii fulisay
weerarkaasi ka dhacay Yunbuc, laakiin waa sida uu u dhigaye, in danaha
Sahyuuniyadda ay dabada ka wadeen qaar ka mid ah wiilashayadu”ayuu yidhi.
Qaar ka mid ah warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegay in sawirradii ka muuqday
telefishannada ee meydka mid ka mid ah raggii weerarka ku qaaday Yunbuc oo
baabuur lagu dhex riday uu u muuqday inuu yahay mid ah tobanka nin ee ugu
sar-sarreeya liiska Sacuudiga ay raadinayeen ee lagu tuhunsanaa inay ka
tirsan yihiin Al-Qaacidda.
Haddii haddaba ay taasi run tahay, waxay tani muujinaysaa in weerarkii ka
dhacay Yunbuc ayna fulinin dabley u dhalatay deegaanka, balse ay ahayd
isku day loo badheedhay oo ay fuliyeen koox xag-jir ah, si ay u weeraraan
wax soo saarka alaabada kiimikada ah ee batroolka laga sameeyo.
Dowladda Sacuudigu waxay sidoo kale beenisay wararka sheegaya in mid ka
mid ah dadkii reer Galbeedka ahaa ee ku dhintay weerarkaasi ay dableydii
geysatay weerarka waddooyinka ku jiideen meydkiisa isagoo baabuurkooda ku
xidhan, laakiin haddana warbaahinta Sacuudiga mar kale ayey sheegeen isla
warkaasi, iyadoo mid ka mid ah wargeysyada uu intaasi ku daray in marka
hore meydkaasi intii aan dhulka lagu jiidin la qaawiyey, taasoo gef weyn
ku ah dhaqanka Islaamka oo qadariya ilbaxnimada iyo dadka sharafta
aadamaha.
Qaar ka mid ah wargeysyadu waxay ku celinayaan war ay hore u soo saartay
Al-Qaacidda oo sheegayey in haddii ilaahay idmo ay iman doonto maalin
meydadka Mareykanka iyo Yuhuudda lagu jiido gacanka waddamada Carabta, oo
la sharaf dili doono laguna tuman doono oo lagu joog-joogsan doono.
Weerarkaasi waxa uu bilaabmey 6:30 aroornimadii Sabtidii, wakhtiga
Sucuudiga, markii afar nin uu dabley ah ay xabado ku fureen warshad
betrool oo dad reer galbeed ah ay saami ku leeyihiin.
Waxa wararku sheegayaan in dableydaasi ay markii ay xabadaha fureen ka dib
u baxsadeen aag la degan yahay, halkaas oo Wasiirka Arimaha Gudaha ee
Sucuudigu uu sheegey in iyagoo aan cidna u aaba yeeleyn ay dadkii halkaas
joogey xabado ku qarqiyeen.
Kooxaha xag-jirka ah waxay inta badan beegsadeen meelaha ay leeyihiin
dadka reer Galbeedka ah, waxaana ka mid ahaa meelahaas ay abbaareen
makhaayadda weyn ee McDonald oo laga leeyahay Mareykanka.
Waxa weeraradaas la soo afjarey, ka dib markii boolisku uu toogasho ku
diley saddex ka mid ah dadkii wax soo weerarey, mid afraadna la dhaawacey. Top
Sharon Oo Ku
Guul-Daraystay Hindise Uu Watay |
Qudus May 4, 2004 (W.Wararka)
Ra’iisalwasaaraha Israa’iil ayaa ku guul daraystay ansixinta qorshihiisa
ah inuu ciidamadiisa kala baxo daanta galbeed.
Sharon waxa uu sheegey in isagoo ka xun uu aqbaley natiijada codbixinta
xubnaha xisbiga Likud ay ku diideen hindisihiisa.
Ariel Sharon waxa uu u muuqdaa inuu yahay mid guuldarro weyn oo
siyaasadeed ay ku timid.
Waxa uu haatan la tashanayaa La taliyayaashiisa si uu go'aan uga gaadho
tallaabada tan ku xigta ee uu qaadi doono.
Xubnaha ay ku wada jiraan xisbiga Likud ee garabka midig ayaa si weyn uga
soo hor jeestey oo codeyntoodii ku diidey qorshaha uu Sharon ku doonayo
inuu ciidanka Israa'iil iyo deegaanada Yuhuuda kaga saaro Marinka Gaza iyo
qaar ka mid ah dhulka ku yaal Daanta Galbeed.
Xataa ogolaanshaha uu dhawaan Bush siiyey hindisayaasha Sharon oo si daran
uga xanaajiyey Falastiiniyiinta maadaama aan lala tashanin, wax uma tarin
Sharon oo may sababin in xubnaha Likud intooda badan ay u codeeyaan
qorshahihiisa.
Warbaahinta Israa'iil ayaa natiijooyinka cod bixinta xisbiga Likud ku
sheegey iney tahay jabkii ugu weynaa ee Sharon soo gaadha intii uu ku soo
jirey siyaasadda.
Intii aan la qaadin codbixinta waxa uu Sharon sheegey wax kasta oo
natiijadu noqotaba inuu sii wadi doono dadaalada uu ugu jiro sidii loo
hirgalin lahaa qorshihiisa.
Inkastoo qorshaha Sharon ay ka soo horjeesteen qaar badan oo ka mid ah
taageerayaashiisa, haddana ra'yi baadhis guud oo laga qaadey shicib
weynaha Israa'iil ayaa tusmeyneysa in dadka reer Israa'iil ay intooda
badan Sharon ku ayidsanyihiin in danta Israa'iil ay ku jirto in Gaza laga
baxo.
Laakiin haatan waxa la hubaa iney su'aalo ka taagan yihiin fursadaha uu
Sharon u heli karo inuu siyaasadda ku sii jiro.
Waxa hadda iska cad, in haddiii uu Sharon doonayo sii haynta hogaanka
xisbigiisa iyo dhab ahaantii tan waddankaba inuu u baahanyahay inuu qaado
dhaqdhaqaaq xirfado leh oo cilmiyeysan.
Israa'iil haatan waxa ay ku jirtaa jahawareer siyaasadeed oo laga yaabo
inuu horseedo in la soo hormariyo doorashooyin dalka laga qabto.
Afti guud oo shicibka Israa'iil laga qaadey ayaa muujineysa in guud ahaan
dadka reer Israa'iil ay taageersanyihiin qorshaha Sharon uu doonayo inuu
kaga baxo Gaza iyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.
Todobaadyo yar umaa laga joogaa markii uu Sharon guul kala soo laabtey
Washington isagoo qorshihiisa uu Bush soo siiyey taageero buuxda. Top
Maamulka
Boorama Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Dhulal Lagu Muran-Sanaa |
Boorame, May 4, 2004 (Haatuf) – Dhul-beereed
inmuddo ah murran ka taagnaa oo ku yaal daafaha magaalada Boorame ayey
shalay masuuliyiinta maamulka Boorame ku dhawaaqeen inay la wareegeen.
Sidaana waxa shir-jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay ka sheegay maayarka
Boorame C/raxmaan Sh. Cumar.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame Maxamed Cumar dhulka ay
maamulku la wareegeen waxa uu ahaa dhul uu muddo ah murran ba’ani ka
taagnaa, iyadoo uu murranka dhulkaasi marar badan abuuray xiisado iyo iska
hor-imaadyo sababay in dad badan oo ilaa soddomeeyo qof gaadhaya la
xidh-xidho. Hase yeehee maayarka Boorame isaga oo go’aanka ay ka gaadheen
dhulkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “aniga oo ku hadlaya magaca golaha
degaanka iyo maamulka dawladda Boorame shirkan jaraa’id waxa uu ku saabsan
yahay in la soo afjaro mushkilad dhul oo ka taagnayd goobo ku yaal daafaha
magaalada, dhulkaas oo ay dad beeralay la yidhaahdaa foodda isu geliyeen
magaaladii, maamulkii iyo xoolalaydiiba. Sida sharciga dawladdu dhigayona
beer waxa loo yaqaan inta uu qofku qoto. Maamulkuna waxa uu ogolyahay hal
weji, laba weji iyo saddex weji ilaa boqol Mitir oo degsiimo ah. wixii
intaa dhaafsiisan maamulka golaha degaanka Boorame waa uu mamnuucay in la
Ooto ama la kala iibsado. Waxa kale oo uu golaha degaanku mamnuucay in la
ooto ama la kala iibsado dhulka buuraha ah ama in la kala iibsado dhul
aanay magaaladuba gaadhin oo aan ku jirin qorshaha magaalada”.
Waxa kale oo uu maayarku intaa raaciyey “Laba meelood oo uu iska hor-imaad
ka dhacay bilihii aynu soo dhaafnay, xal ka gaadhidoodana loo dhiibay
guddi xalinta khilaafaadka dhulka ee golaha degaanka iyo guddiga
nabadgelyada waxayna guddiyadaasi dhulalkaa ka soo saareen go’aan ah inuu
yahay dhul dawladeed iyo inaanu dhulkaasi ahayn dhul beereed, isla
markaana waxay ku taliyeen inuu dhulkaasi yahay dhul ummadda u dhex ah.
dhulalkaas oo la kala yidhaahdo Qoor-gaabta sare oo ku taal koonfurta bari
ee magaalada iyo Faarax-yood oo ku taal waqooyiga magaalada cidii ku
xad-gudubta go’aankaa waxa laga qaadaya talaabooyinka sharcigu dhigayo”.
Maayarka Boorame waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday arinta
seeraha Boorame oo uu sheegay inay golaha degaanku sharci ka dhigeen dib u
soo celinta bilicdiisa, ayna wadaan sida ugu haboon ee loo soo celin karo.
Isla markaana waxa uu sheegay in dhulka Seerahaas la calaamadiyey, taas
darteedna ay dadka sheeganaya inay dhul beereed ku leeyihiin dhulka
seeraha ay la soo xidhiidhaan maamulka golaha degaanka Boorame ka hor inta
aan la gelin qorshihiisa hawleed. Top
“Maya, Ma
Jiraan Ciidamo Aanu Hargeysa Ka Dalbanay … Maya, Biyuhu Way Qaramaysan
Yihiin”
Maayarka Ceerigaabo- Wareysi |
Ceerigaabo, May 4, 2004 (Haatuf) – “Aniga
iyo maayar-xigeenka wax khilaaf ahi nama dhex-yaal”, sidaa waxa yidhi
maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo dabayaaqadii bishii ina
dhaaftay ee Abril waraysi khaas ah siiyey weriyaha Haatuf ee gobolka
Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye, wuxuuna maayarku jawaabo ka bixiyey
su’aalo door ah oo la xidhiidha hawlihiisa maamul iyo dareemada ku xeerran.
Laakiin weriyaha Haatuf isaga oo waxoogaa tacaaliiq ah ka bixinaya
dhaqanka maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur waxa uu qoraalkiisa ku
bilaabay “maayarka Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur oo aanay inta badan dhaqan
u ahaan jirin inuu waraysi gaar ah siiyo saxaafadda madaxa banaan ayaa
waraysi khaas ah igu siiyey xafiiska Haatuf ee magaalada Ceerigaabo 24-kii
Abril, 2004 .
Inkasta oo ay jiraan dad dhaliilo u jeediya maamulka Ismaaciil X. Nuur,
laakiin hadana dadka qaar waxay ku majeertaan sida uu uga shaqeeyey
nadaafadda magaalada. Isaga oo muddo sannad iyo shan bilood ah hayey xilka
maayarnimo.
Ismaaciil hal gaadhi oo iska rogo ah ayuu u iibshay dawladda hoose, taas
oo magaalada qashinka ka gurta, laakiin taas oo keli ahi ma dabooli karto
baahida magaalada Ceerigaabo oo hadda aad u balaadhatay. Waxa kale oo ay
dadku xusaan sidii uu maayarku uga hawl-galay bakhtiinta dabkii dhowaan ka
holcay kaymaha buurta dal-xiiska ee Daallo”.
Intaa ka dib waraysiga uu weriyaha Haatuf la yeeshay maayarka Ceerigaabo
waxa uu u dhacay sidan:
S: Sidii aad adiguba meel fagaare ah bilihii u dambeeyey dakhli aad u
badan ayaa dawladda hoose u soo xerooday ilaa iminkana ma muuqdaan wax aad
ku qabatay, taa maxaad ka odhan?
J: Anigu waxaan halkan imi 2-dii Febarweri, 2003, markii aan sannadkan ka
soo laabtay safar khaas ah oo aan ku tegay Imaaraadka dadweynaha waxaan
hadal uga jeediyey fagaaraha khayriyadda, waxaana halkaa uga sheegay inuu
wax qabadkayagu noqonayo had-ba sida ay u bixiyaan cashuurta, dabadeedna
cashuurtii ayaanu bilownay, dadkiina si debecsan ayey cashuurtii u
bixiyeen, laakiin wixii aanu ururinay gacanta ayaanu ku haynaa si degdeg
ayaanuna u muujinaynaa inaanu wax la taabban karo ku qabanno.
S: Cashuurta daaraha sidee ayaad u suurta gelisay?
J: Waxaanu ka bilownay sida loo kala daaro badan yahay, kolkaa waxaanu
aragnay dadkaa oo wadar ah ama keli-keli ah, waxaanuna u sheegnay inaanay
suurta gal ahayn in cashuurta laga bilaaabo qof daar qudha leh, markaa
ilaa hadda dad badan ayaa bixiyey cashuurtii daaraha.
S:Guddiga golaha degaanka iyo shaqaalaha dawladda hoose waxay kugu
eedeeyaan inaad keligaa si gaar ah u maamushid biyaha maamulka kale ee
degmaduna aanu wax shaqo ah ku lahayn, taa ka warran?
J: Biyuhu ilaa sagaashankii markii gobolada lagu soo noqday biyuhu way
madax banaaneeyeen oo keli ayey u taagnaayeen, waxayna hoos tegi jireen
wasaaradda macdanta iyo biyaha, laakiin markii nala doortay ee aanu meesha
nimi waxaanu ugu nimi laba wareegto oo uu midna soo qoray wasiirka arimaha
gudaha, midna wasiirka macdanta iyo biyaha, waxayna lahaayeen biyuhu waxay
hoos tegayaan maayarka, isla markaana sharci ay wasaaradda arimaha guduhu
soo samaysayna waxa uu leeyahay maamulka biyuhu waa inaanu ku milmin
dawladda hoose ee waa inuu dakhligoodu gooni u ahaado, maayarkuna waxa uu
ku leeyahay saxeex wixii baxa iyo wixii soo gala. Sidaa darteed anagu
waxaanu ku maamullaa biyaha sharcigooda, cidii wax ka sheegtaana waa
jeebkeeda.
S: Markaa sidaasi ma sax baa?
J: Haa waa sax maadaama aan hayo sharci dawladdu soo dirtay, sidaas baana
ku maamulaa.
S: Dakhli intee le’eg ayaa bishii ka soo baxa biyaha?
J: Bil walba waxa la sameeyaa xisaab-xidh, haddase kuma siin karo
tafaasiil go’an, laakiin inta badan iyaga ayaa la isku cel-celiyaa,
mishiinadii 1993-kii la keenayna wax ka dambeeyey oo la ina siiyeyna ma
jiraan.
S: Markaa maadaama uu maamulkii biyuhu keligaa kugu kooban yahay oo aanu
maamulkii kale ee degmadu waxba kala socon ma la odhan karaa biyuhu ma
qaramaysna?
J: Maya, way qaramaysan yihiin dawladda ayaana gacanta ku haysa, Maareeye
gaar ahna way leeyihiin, ilaalin dakhligooda la ilaalinayo ayaana la igu
siiyey saxeexa maayarka.
S: Khilaafka dhulka waxa la sheegay inuu arinkiisu meel xun marayo, bal
arintaa ka warran?
J: Dadkii dhulkii ayuu ku dhaqaaqay, mid sharci haysta iyo mid aan sharci
haysan waxay rabaan inay meel dhistaan, markaa dhibaatada dhulku aad bay u
xun tahay.
S: Xaaladda nabadgelyada ee magaalada Ceerigaabo waa laga dayrinayaa ee
arintaa ka warran?
J: Xaaladda nabadgelyada degmadu way fiican tahay, laakiin roobabka waxa
bilaabma wax la yidhaahdo Ceshiimo oo la isku qabsado guryaha miyiga,
markaa halkaa dhibaato way ka jirtaa, laakiin xiligan ma jirto dhibaato
culusi.
S: Ma waxa jira ciidamo cusub oo aad Hargeysa ka dal-batay oo aad qoratay?
J: Maya, ciidamadana waxaanu waydiisanaa labada saldhig iyo qaybta, cidii
ay soo diraan ayaana nala shaqaysa.
S: Waxa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inay lacag been abuur
ahi soo gashay magaalada Ceerigaabo, taa maxaad ka og tahay?
J: Warkaasi waa war jira, ciidamada oo dhanna waa loo sheegay, laakiin
ilaa hadda ma jiraan raad cad oo la hayaa.
S: Waxa dhowaanahan degmooyinka dalka ka dhacay qiimayn lagu sameeyey
maayarada iyo kuxigeenada, maxay taasi Ceerigaabo uga dhici wayday?
J: Anaga waxa noo yaal sharci la yidhaahdo No: 23, wuxuuna u yaal
golayaasha degmooyinka iyo gobolada, waxaana weeye in bishii mar la shiro,
markaa anaga shirarkayagu caadi bay noogu socdaan, wax khilaaf ahina nama
dhexyaal.
S: Xubno ka mid ah golaha degaanka ayaa kugu eedaynaya inaad hortaagan
tahay fadhi uu goluhu isugu yimaaddo, ta maxaad ka odhanaysaa?
J: Taa waxba kama jiraan.
S: Waxa la leeyahay maayar-xigeenka waxaad isku khilaafteen dadkii uu
shaqada ka eryey oo aad soo celisay, taa ka warran?
J: Way jiraan dad la eryey, qaar uu maayar-xigeenku shaqada ka fadhiisiyey
oo aanu soo celinayna way jiraan, laakiin aniga iyo maayar-xigeenka ma
jiro wax khilaaf ah oo na dhexyaal.
S: Xaaladda waxbarashada oo aad looga dayrinayo miyaanay kuugu jirin
qorshayaashaada wax qabad?
J: Haa, waa ku jirtaa, weliba hadda maalin walba way sii kordhaysaa tirada
caruurta iskuuladda dhigataa, macalimiin kaabta oo ku fillanina ma jirto,
indhowaydna waxa lagu jiray shirar dhinacyada waalidiinta, waxbarashada
iyo maamulka waxbarashada, hawshaasna gacanta ayaa lagu hayaa, wixii
awoodayada ahna diyaar baanu u nahay inaanu wax ka qabanno dhinaca
waxbarashada. Top
Reer Gebilay Oo
Sagootiyey
Macalimiin Reer Masar Ah |
Gebiley, May 4, 2004 (Haatuf) – Xaflad lagu
sagootiyey Macalimiin Masaari ah oo wax ka dhigta dugsiga sare ee
Timacadde ee magaalada Gebiley ayaa Arbacadii todobaadkii hore lagu qabtay
xarunta dugsigaa, waxaana xafladaa soo qaban-qaabiyey ardayda dugsiga
Timacadde, laakiin waxa ka soo qayb galay macalimiinta iyo maamulka
dugsiga oo iyagu qaybtooda lahaa hawsha xafladda iyo madaxda maamulka
Gebiley, duqay iyo masuuliyiinta waxbarashada Gebiley, waalidiinta dugsiga
iyo marti-sharaf kale.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebiley, Maxamed Xasan
waxa munaasibadaa lagu soo ban-dhigey khudbado iyo barnaamijyo kale oo
lagu sokootiyeyo macalimiinta masaarida ah, waxaana ka mid ahaa dadkii
halkaa ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada Gebiley Mr: Sacad, wuxuuna
sheegay inay kala badan yihiin baahida ardayda iyo baaxada dugsigu.
Laakiin waxa kale oo uu ka digay khatar dhismaha dugsiga kaga soo fool leh
doox biyo-mareen ah oo ku soo fidaya dhismaha dugsiga, taas oo hadii aan
laga hor-tegin halis gelin karta dhismaha dugsiga, taas-na ay u baahan
tahay in wax laga qabto.
Laba ka mid ah macalimiinta masaarida ayaa iyaguna munaasibadaa ka hadlay,
waxayna si gaar ah ugu mahad-naqeen macalimiinta iyo ardayda dugsiga,
iyaga oo sheegay inay si wanaagsan ula soo shaqeeyeen. Maxamed X. Ibraahim
ayaa is-na munaasibadaa ka hadlay, waxaana ugu dambayn macalimiinta
masaarida oo ay tiradoodu tahay 4 macalin la gudoonsiiyey hadiyado iyo
shahaado sharaf. Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno waalidiin ah
oo ay ka mid yihiin Chief Caaqil Cabdi Cuudle, Caaqil C/laahi Cali iyo
Marwo Safiya Aw-Aadan, waxayna macalimiinta masaarida iyo reer Gebiley
isku macasalaameeyeen Jawi farxadeed. Top
Hay’adda SOS
Iyo Dugsiga Sare Ee Sheekh |
Sheekh, May 4, 2004 (Haatuf) – Wefti balaadhan oo ka socda
hay’adda SOS ayaa dabayaaqadiii bishii hore ee April booqasho ku tegay
dugsiga sare ee Sheekh oo ay hay’adda SOS gacanta ku hayso, waana markii u
horaysay ee ay wefti sare oo hay’ada SOS ahi socdaal ku yimaadaan dugsiga
Sheekh tan iyo intii ka dambaysay markii la dilay maamulihii dugsigaa iyo
xaaskiisii. Xubnaha weftiga SOS waxa ka mid ahaa sarkaalka hay’ada SOS u
qaabilsan bariga Afrika Mr: Wliliem Haber, sarkaalka is-na hay’ada SOS u
qaabilsan dal-weynihii Soomaaliyeed (Somaliland/Somaliya) Mr: Collard iyo
C/laahi Maxamed (Ash-cari) oo ka mid ah madaxda sare ee hay’ada SOS.
C/laahi Ash-cari oo uu weriye Haatuf ka tirsani wax ka weydiiyey ujeedada
socdaalkooda ayaa sheegay inay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay
u xoojin lahaayeen ama u dardar gelin lahaayeen hawlaha waxbarasho ee
dusiga.
“Waxaanu ku faraxsanahay in Iskuulkii loogu talogalay inuu xidhmo ay
hawlihiisu si fiican u socdaan” ayuu yidhi C/laahi Ash-cari, laakiin wuxuu
intaa ku daray “Dugsigani waa dugsiga keliya ee shardiga ka dhigay in
hadii uu ardaygu Maadada diinta ku dhaco oo uu inta kale gud-bo aanu
helayn shahaadada G.E.S-ka”.
Ash-cari waxa kale oo uu sheegay inay dugsiga Sheekh ku kordhin doonaan
dhisme cusub. Sidoo kalena ay hay’adu dhakhso u bilaabayso mashaariic kale
oo ay ka fulinayso Hargeysa.
Asraartii Ku Xeernayd Xadhigii Kooxdii Ismaaciil Iyo Cumar
Waxa kale oo jirtay hadallo afgarasho ah oo ay ku hawl gelayeen xubnaha ka
tirsan ururka xaaraanta ah ee SNM oo aanu markii dambe u garanay fasiraad
ahaan in baaqa ay u yiqiineen qaybta 21aad uu aha Cirsan ka yeer, qaybta
26aad ay u yiqiineen Xundhur-gaal, qaybaha kalena waxay ku magacaabi
jireen qaybaha koonfureed, guud ahaana waxa laga hogaamin jiray Xamar.
Debeddana waxa xiriirin jiray sida aan horeyba u soo sheegnay G/dhexe Food
oo joogay Washington, ahaana kuxigeenkii u qaybsanaha arimaha Milateriga
ee JDS.
Markhaatigani isaga oo ka jawaabaya su’aal uu waydiiyey qareen Ismaaciil
Jimcaale waxa uu yiri “wixii faahfaahin gaar ahaaneed ah waxa wax laga
waydiin karaa guddi-hoosaadkii soo baaray dacwaddan iyo guryaha
eedaysanayaashaba, baaritaankayagana waxa noogu soo baxay in
eedaysanayaasha saraakiisha ahi ay si gooni ah u shiri jireen,
go’aankoodana u soo gud-bin jireen madaxdooda, sidaas oo kalena kuwa
rayidka ahi u shiri jireen.
Wax dhibaato ah oo loo geystay eedaysanayaasha markii ay qiraalka
bixinayeen oo aan ogahay ama ay ii sheegteen ma jiro, mid kastaana si gaar
ahaaneed ayuu u bixiyey cadaymo iyo qiraal maxkamadeed, iyadoo uu
midkastaa qiraalkiisa ku tilmaamay qaybta uu kaga jiray hawl-galka iyo
abaabulka ururkaa xaaraanta ah marka laga reebo eedaysanayaasha 1aad iyo
2aad.
Waxa jiray urur kharbudaad ah oo hubaysan, kana fuliyey dalka gudihiisa
falal kharbudaad ah, iyaga oo hubka ay wateen uu ahaa mid ay kala
baxsadeen jabhadihii ay dawladdu u samaysay inay taakuleeyaan gobanimo
doonka, gacanna siiyaan ciidamada XDS, hub ay ka heleen Itoobiya iyo
Liibiya iyo kuwa kale oo ka soo galay meelo kala gedisan.
Ururka SNM waxa markii u horaysay laga shaaciyey magaalada London ee dalka
Ingiriiska, ka dibna waxa xaruntiisa loo soo wareejiyey Itoobiya. Hase
yeehee si gaar ah uma xusuusto taariikhdii la aasaasay.
Guriga Ismaaciil Cali Abuukar markii la baarayey waxa joogay xaaskiisa oo
lala socod siiyey wixii laga soo qaaday intaan guddiga la horkeenin.
Sidaas oo kale guriga Cumar Carte markii la baarayey waxa joogay dhawr
dumar ah oo ay ka mid tahay xaaskiisu, iyadana waa lala socod siiyey wixii
laga soo qaaday. Top
Maamulka
Ceerigaabo Oo Toosh Ku Baadi-Doonaya Dhulkii Dawladda |
Ceerigaabo, May 4, 2004 (Haatuf) – Isuduwaha
wasaaradda hawlaha guud ee Ceerigaabo Xasan Maxamed Dhunkaal oo ay
weheliyaan maayarka Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, guddiga joogtada ee
golaha degaanka iyo guddiga arimaha dhulka ee magaalada Ceerigaabo ayaa
toddobaadkii dhowayd bilaabay hawl-gal ay ku qiimaynayaan xad-gudubyada
iyo boobka lagu sameeyey dhulkii danta guud ee dawladda.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid Xasan
Cabsiiye waxay masuuliyiintaasi dib u calaamadin ku sameeyeen dhul ay
leedahay wasaaradda xanaanada xooluhu oo ka mid ah meelaha lagu
xad-gud-bay ama la dhallan rogay.
Isuduwaha hawlaha guud Xasan Maxamed Dhunkaal ayaa weriyaha Haatuf u
sheegay inay hawshaa wadi doonaan ilaa inta laga wada calaamadinayo
dhulkii dawladda ee la dhallan gediyey. Top
Qaar Ka Mid Ah
Fanaaniinta Dalka Oo Walaac Ka Muujiyey Heshiiska Lagu Bixiyey
Tiyaatarka Hargeysa |
Hargeysa may 4, 2004- (Haatuf)- Qaar ka mid ah fanaaniinta dalka
Somaliland ayaa dareen diidmo ah ka muujiyey heshiiska lagu bixiyey
Tiyaatarka Hargeysa oo ay ku tilmaameen mid aan caqliga gelayn. Waxayna
sheegeen in haddii ay cidi dhisanayso ay iyagu xaq u leeyihiin inay
dhistaan oo ay dawladdu gacan ku siiso, fanaaniinta arrintan ka hadlay oo
kala ah, Maxamed Aadan Dacar, Faadumo C/laahi Kaahin (Maandeeq), Ismaaciil
Cabdi Bas-baas, Ismaaciil Sh. Axmed iyo Boon Xirsi, waxay sidaa ku
sheegeen iyagoo u waramayey wariye ka tirsan Haatuf Waxayna intaa ku
dareen in tiyaatarka marka horeba loo dhisay fanaaniinta, iyaguna ay gacan
ka geysteen, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in talaabadaa laga noqdo
haddii kale fanaaniintu aanay ka aamusi doonin arintaa.
Ugu horeyn waxa arintaa ka hadashay fanaanada weyn ee Faadumo C/laahi
Kaahin oo dhowaan dalka ku soo laabatay, waxayna tidhi “Anigu wadanka
waxaan ka maqnaa muddo sagaal sannadood ah, markii aan sidaa isu soo
taagayna wixii iigu horeeyey ee aan maqlay waxay ahayd Tiyaatarkii
Hargeysa waa la bixiyey ama la bixinayaa. Haddaba tiyaatarka fanaaniintaa
iska leh, markii horena anagaa dhisanay, imikana anagaa dhisanayna, ninkii
labadii makhsin ee ugu horeeyey dhisayna Maxamed Aadan Dacar ayuu ahaa,
markaa anagu ma ogolin arrintaa, hadaanu nahay fanaaniintii dalka mid yar
iyo mid weynba.
Sidoo kale waxa isna arintaa ka hadlay Abwaanka weyn Maxamed Aadan Dacar,
waxaanu yidhi “Anigu tiyaatarka Hargeysa ragii seeska u bilaabay ayaan ka
mid ahay, aniga iyo Ismaaciil Cabdi iyo ragga kaleba, markaa ilaa
dhiskiisii ilaa dumistiiisii ilaa baayacaada maanta waanu ka war haynaa,
anaga oo ku hawlan sidii aanu dhiskiisa u tabaabushayn lahayn ayaanu
maqalnay arintan in la iibinayo dalka iyo dibadiisaba waa lagaga soo
duulay, dawladdana waanu kala hadalnay, walina wax cad ma hayno ee wax cad
baanu sugaynaa, laakiin anagu waxaanu leenahay sidaanu idaacadaha iyo meel
walba ka sheegnay tiyaatarka fanaaniintaa leh, waana meeshii qaranka, wax
iib galena ka weyn mana noqon karo mana gayo, waxaanu qaadan karnana maaha,
haday dhisme noqotana anagaa dhisayna oo lacagtii iyo xoogii iyo wajigiiba
u hayna, haday dawladdu na caawinaysana ha na caawiso hadii kalena anagaa
diyaar u ah inaanu dhisano, soomaalidaa tidhaahda Sacab hadaan xeeladi ku
jirin maxaa habeenkii loo tumaa. Anagaaba leh waanu dhisanaynaaye maxaa
keenay dilaalka iyo iibka. Waxaan leeyahay ka dilaalka ah iyo ka wadawba
hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dilaacaa ee caggo dhigo, Waxaanu hore u
nidhi madax wada dilaal ah dawlad wada wasiiro ah dunidaba ma joogtee
dirqi ayay nirigta ku dhashee miyaa looga darayaa”.
Sidoo kale waxa isna ka hadlay Abwaanka weyn Ismaaciil Cabdi Bas-baas,
waxaanu yidhi “Anigu waxaan leeyahay ninka leh maanta waxaanu iibinayaa
tiyaatarka Hargeysa, horta anaga ha na laayo, ninka sidaa yidhina nin
calankii iibinaya kama duwana, waxaan leeyahay tiyaatarku wax go’ lagu
qaado ka weyn”.
Waxa isna halkaa ka muujiyey diidmo xoog ah labada Abwaan ee Boon Xirsi
iyo Ismaaciil Sh- Axmed, kuwaas oo hadalkooda ku gabagabeeyey inaan
tiyaatarku u qalmin iibin la iibiyo ama la bixiyo, midna waxaanay
dhamaantood sheegeen inaanay raali ka ahayn amaba aqbali karin. Top
Golaha
Wasiirada Iyo Falanqaynta Miisaaniyadda 2004 |
Hargeysa, May 4, 2004 (Haatuf) – Golaha wasiirada Somaliland ayaa
fadhigoodii shalay kaga wada hadlay ku tala-galka Miisaaniyadda dawladda
ee sannadka 2004, waxaana la sheegay inay madaxda sare wasaaradda
Maaliyaddu sharax ka bixiyeen jaantuuska Miisaaniyadda, iyaga oo tilmaamo
ka bixiyey meelaha uu ku talo-galka dakhligu k soo baxayo iyo waxyaalaha
uu ku baxayo kharashka Miisaaniyaddu. War-saxaafadeed uu shirkaa ka dib
soo saaray Af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris ayaa lagu sheegay in ku
tala-gallka miisaaniyadda dawladda dhexe iyo dekedda Berbera marka la isku
daro ay tahay 160,606,1027-sh.sl. (161 bilyan in ku dhow), isla markaana
ay miisaaniyaddani tii kal hore ka badan tahay 43%.
Khamiistii todobaadkii hore ayey madaxda sare ee wasaaradda maaliyaddu
golaha wasiiradda hor-geeyeen miisaaniyadda 2004. Sidaa darteed dib ayey
uga dhacday xiligii uu dastuurku tilmaamayey in miisaaniyadda la horgeeyo
golayaasha qaranka, laakiin wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale ayaa
dib-dhacaa kaga cudur-daartay ama ku tilmaamay duruufo la soo darsay inay
u sabab yihiin, balse warsaxaafadeedku ma sharxin duruuftaasi nooca ay
tahay, iyadoo uu wasiirka maaliyaddu sheegay inuu ku tala-galka dakhliga
iyo kharashku isu dheeli-tiran yahay.
Sid uu warsaxaafadeedku sheegay miisaaniyadda 2004 waa tii ugu bad-nayd ee
la dejiyo, waxaana la sheegay inay mashaariicda miisaaniyadda ku jirto
Idaacad cusub oo ay Somaliland leedahay. Hase yeeshee wasiirka maaliyaddu
waxa uu sheegay inay miisaaniyaddu culayska saartay meelo ay ugu mudan
tahay nabad-gelyadu oo 52% uu kharashka miisaaniyaddu ku bixi doono, taas
oo u dhiganta 75,062,116,119 sl.sh. Laakiin bay yidhaahdeen marka guud la
isku daro kharashaadka ku baxaya nabad-gelyada, mushaharka, gunnad iyo
raashimada ciidamada, cusbataalada, maxaabiista, agoomaha iyo naafada
ciidmada waxay noqonaysaa 58%.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inay miisaaniyadda ku jiraan
lacago loo kordhiyey ciidamada iyo saddexda xisbi oo iyana xaddi is le’eg
loo kordhiyey. Laakiin lama carifin xaddiyada loo kordhiyey ciidamada iyo
xisbiyada.
Sidoo kale waxay madaxda maaliyaddu sheegeen in meelaha korodhka dakhliga
laga filayo ay ka mid yihiin baabuurta yar-yar ee debedaha laga soo
iibsado oo 30% cashuurta lagu kordhin doono, sigaarka oo 5% lagu kordhin
doono iyo qiimaha sarrifka doolarka ee wax loogu cashuuro qaadka oo laga
mid dhigi doon qiimaha wax loogu sarifo duruuriyaadka.
Sida uu war-saxaafadeedku sheegay madaxweyne Daahir Rayaale oo shirka
golaha gudoomayey ayaa wasiiradiisa faray inay wasaaradda maaliyadda gacan
ka siiyaan tashiiladda kharashaadka iyo soo xeraynta dakhliga, iyadoo la
filayo in miisaaniyadda dhowaan la horgeeyo golaha wakiilada. Top
Xil Ka-Qaadista
Wasiirkii Ganacsiga Iyo Arrimaha Ay Ku Kala Khaatumo
Seegeen Madaxweyne Rayaale Iyo Maxamed Xaashi |
Markii Loo Diiday Inuu Ka Hadlo Shirkii
Golaha Wasiirada Ayuu Qoraalo Madasha Dhexdeeda Ku Qayb-Qaybiyey
Hargeysa, May 4, 2004 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin ayaa shalay xilka ka qaaday wasiirkii ganacsiga Eng: Maxamed Xaashi
Cilmi, sidaana waxa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed ka soo baxay
madaxtooyada oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris.
Sida ku muujisan qoraalka war-saxaafadeedka madaxweyne Rayaale waxa uu xil
ka qaadista wasiirkii ganacsiga ku macneeyey ama ku sababeeyey inuu noqday
nin ka talo duwan golaha wasiirada intooda kale, wuxuuna yidhi “markii ay
inbadan kaa muuqatay inaad ka talo duwan tahay golaha intiisa kale waxaan
gartay inaan kaala noqday xilkii aad qaranka u haysay laga bilaabo maanta
(shalay), waxaanad ku wareejin doontaa xilkii wasiirnimo inta aan cid
hanan karta u soo magacaabayo wasiir-kuxigeenka ganacsiga C/raxmaan Yuusuf
Ismaaciil”.
Hase yeeshee war-saxaafadeedku wax tafaasiil ah kama bixin sida uu Maxamed
Xaashi uga talo duwan yahay golaha wasiirada intiisa kale iyo waxa ay
taladiisu tahay, waxaase jira tibaaxo ka soo baxay ilo xog-ogaal ah oo ku
dhowdhow madaxtooyada oo iftiimin ka bixinaya halka ay sartu ka qudhuntay
iyo waxa ay madaxweyne Rayaale iyo wasiirkii ganacsiga, Eng. Maxamed
Xaashi isku maandhaafeen.
Inkasta oo ay mudooyinkan dambe jireen warar isa soo taraya oo tibaaxaya
inaanay madaxweyne Rayaale iyo Eng. Maxamed Xaashi beryahan dambe isu
calool-wanaagsanayn, taas darteedna ay dadka arimaha siyaasadda u
dhuun-daloolaa naawilayeen inaanay isku raagayn, hadana xil ka qaadistu
waxay shalay ahayd mid si kedis ah u soo baxday, waxayna sida warar
xog-ogaal ahi sheegeen si degdeg ah uga dhalatay diidmo ba’an oo uu
Maxamed Xaashi kala horyimi miisaaniyadda dawladda 2004 oo golaha
wasiirada la horkeenay, taas oo uu Maxamed diidmo weyn kala horyimi,
taasina ay keentay go’aanka ah inuu madaxweyne Rayaale xilka ka qaado,
iyadoo ay wareegtada xil ka qaadista wasiirkii ganacsiga madaxtooyada ka
soo baxday goor dambe oo duhurnimadii ah, xiligaas oo ahaa wax yar ka dib
markii lagu kala dareeray fadhigii golaha wasiirada. Laakiin Eng. Maxamed
Xaashi Cilmi oo aanu xalay goor dambe oo caweysinkii ah la xidhiidhnay si
aanu wax uga waydiino arinta uu madaxweyne Rayaale sheegay inuu xilka kaga
qaaday iyo warar kale ee lala xidhiidhinayo xil ka qaadistiisa wuu ka
cudur-daartay inuu waqtigan xaadirka ah wax war ah bixiyo, hase yeeshee
waxa uu intaa raaciyey inuu qaban doono shir-jaraa’id oo uu tafaasiil
balaadhan kaga bixin doono halka ay sartu ka qudhuntay iyo arimaha ay
isaga iyo madaxweyne Rayaale ku kala khaatumo seegeen.
Marka la eego xaddiyada miisaaniyadda looga qoondeeyey wasaaradaha tirada
badan ee ay ka kooban tahay xukuumadda madaxweyne Rayaale waxay wararku
leeyihiin isuma dheeli tirna ee wasaaraddo dhawra ah ayaa si gaar ah loo
naas-nuujiyey, taas darteedna marka la isku daro mad-madawga guud ahaan ka
muuqda jaantuska miisaaniyadda iyo u kala sed-burrinta wasaaradaha wasiiro
door ah ayaan ku qanacsanayn sida uu u yaal qorshaha miisaaniyaddu. Balse
aanu dareenkoodu debedda u soo bixin.
Sida ay sheegeen ilo ku dhowdhow shirkii golaha wasiirada ee shalay Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi waxa loo diiday inuu madasha ka jeediyo dood ku
saabsan miisaaniyadda, ka dibna markii hadalka loo diiday uu fadhiga
golaha wasiirada u qayb qaybiyey waraaqo qoraal ah oo uu kaga hadlayo
miisaaniyadda, iyadoo sida la sheegay uu Maxamed Xaashi si ba’an u
naqdiyey qorshaha miisaaniyadda 2004.
Sida la sheegay mad-madow badan ayaa ka muuqda jaantuska miisaaniyadda,
waxaana la sheegay inaanay miisaaniyaddu xanbaarsan tahay odoros aan
waaqica dakhliga ku salaysnayn, iyadoo ay dadka arimaha miisaaniyadda u
dhuun-daloolaa leeyihiin waxa jira wax badan oo la xaseeyey.
Marka laga yimaaddo ajandaha miisaaniyadda ee ay madaxweyne Rayaale iyo
Eng. Maxamed Xaashi isku maandhaafeen waxa kale oo ay xogo madaxtooyada u
dhuun-daloola inuu Maxamed Xaashi markii uu madaxweyne Rayaale ka soo
noqday safarkii uu ku tegay Ingiriiska iyo Beljimka u gud-biyey qoraal
dheer oo uu kaga hadlayo qal-qalooca maamul ee dalka ka jira, isla
markaana uu ku bandhigayo talooyin ku saabsan sida wax looga qabanayo
arimo badan oo qaldan ama u baahan in wax laga qabto.
Waxa kale oo iyaguna warar tibaaxaya in Eng: Maxamed Xaashi marar dhawr ah
loo gacan dhaafay hawlo ay wasaaradiisu ku shaqo leedahay oo la iska
maamushay iyadoo aan waxba laga waydiin, taasna aanu ku niyad samaan.
Eng. Maxamed Xaashi oo muddo dheer ahaa mucaarad mayal adag tan iyo intii
lagu dhawaaqay la soo madax banaanida Somaliland waxay ahayd markii u
horaysay ee wasiir ka noqdo xukuumad Somaliland ah, sidaa darteed markii
sannad iyo dhawr bilood ka hor loo magacaabay wasiirka ganacsiga
Somaliland waxa markiiba soo baxday inta uu Maxamed Xaashi ku jiri doono
xukuumadda iyo sida uu uga tanaasulayo mawqifkiisii adkaa. Top
WAADIGA
CIYAARAHA: Kooxda Liibaan Oo Ku Guulaysatay
Koob Xuska Marxuum Cigaal |
C/Fataax M. Caydiid
Hargeysa, May 4, 2004 (Haatuf) – Kooxda kubadda cagta ee Liibaan Company
ee kooxaha heerka labaad ee caasimadda Hargeysa, ayaa ku guulaysatay koob
lagu xusay sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay geeridii ku timi
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Alla ha u naxariistee Maxamed X.
Ibraahim Cigaal, kadib markii ay 6-0 kaga adkaatay kooxda Ming Sing,
ciyaartaas oo lagu qabtay garoonka Hargeysa Stadium, waxay sidoo kale ka
mid ahayd ciyaaraha quarterfinal-ka tartanka koobka 1aad ee Nabadda ee
beryahanba uga socday kooxaha heerka labaad ee Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo
Ciyaaraha, waxa ka soo qayb-galay wasiirka wasaaradaas, Maxamuud Siciid
Maxamed, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Sacad Maxamed Shire, Gudoomiyaha
Xidhiidhka Kubadda Cagta, C/risaaq Axmed Aadan, madax kale oo ka tirsan
Wasaaradaas iyo dadweyne aad u farabadan.
Geba-gebadii ciyaarta ayuu Wasiirka Ciyaaruhu halkaa ku gudoonsiiyay
koobka Xuska Marxuum Cigaal, kooxda Liibaan Company ee ku guulaysatay,
waxaanu Wasiirka, halkaas ka jeediyay hadalo kooban oo uu kaga waramay
munaasibadda xuska Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X.
Ibraahim Cigaal, waxaanu Wasiirku hadalkiisa ku bilaabay: “Munaasibaddan
waxaanu ugu talo-galay inaanu u dhigno koob Qaran. Anigoo ka wakiilla
Madaxweyne Daahir Rayaale, Madaxweyne-Ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirada,
waxaan idin soo jeedinayaa in hal daqiiqo baroor-diiq ahaan iyo tacsi
ahaanba faataxada loo maro,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu raaciyay “Ninka
qaaliga ahi haddii uu dhinto iyo haddii kaleba lama ilaawo. Madaxweynihii
hore [Cigaal] waa madaxweynaha maanta halka uu dalku marayo soo
gaadhsiiyay iyo dimuqraadiyadda ilaa hadda madaxweyne lagu soo doortay,
degaanka lagu soo doortay, insha Allaah doorashadii Baarlamaankuna si
dhakhso ah inoogu dhici doontaa.”
Wasiirku waxa uu sheegay in koobkan xuska loogu talo-galay aanu ku ekayn
oo keliya caasimadda Hargeysa, balse gobollada oo dhan laga xusi doono.
“Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweynihii ka horeeyayba isagana Alla ha u
naxariisto labadaba, maanta way inaga hooseeyaan, waana waajib in ay
ummaddi xusto qofka ka baxa, xuska ugu wanaagsanina wa in Illaahay loo
weydiiyo naxariistiisa,” ayuu hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay, isagoo
wasiirku mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyay labada kooxood ee ciyaarta
koobka ku wada ciyaaray. Top
Isu-Duwaha
Ciyaaraha Gobolka Hargeysa Oo Ka Hadlay Soo Xulista Xulka Kubadda
Cagta Uga Qayb-galay Tartanka Gobollada |
C/Fataax M. Caydiid
Hargeysa, May 4, 2004 (Haatuf) – Isu-duwaha Ciyaaraha Gobolka Hargeysa, C/raxmaan
Jaamac Rooble (Shiine), ayaa sheegay in ciyaartoyda xulka gobolka Hargeysa
ee kubadda cagta uga qayb-galaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland
ee sannadkan 2004 ay noqon doonaan qaar ka duwan kuwii sannadkii hore uga
qayb-galay, isla markaana ay noqon doonaan ciyaartoy da’yar oo
farsamadooda ciyaareedna ka heer sarayso.
Isu-duwuhu wuxuu warbixin kooban oo uu saxaafadda ugu talo-galay ku
sheegay in ay casharo iyo waaya-aragnimo badan ka dhaxleen tartankii
ciyaaraha gobollada ee 2003, sidaa darteedna ay si weyn uga duwanaan
doonaan.
Waxa kale oo uu C/raxmaan Shiine sheegay in daraasad dheer oo uu sameeyay
kadib, uu ku ogaaday sababihii uu xulka kubadda cagta ee gobolka Hargeysa
ugu hadhay meel uu ku tilmaamay meel aan looga baran xulalkii gobolka
Hargeysa, taas oo uu ku sababeeyay arrimo dhawr ah, balse buu yidhi
“Waxaan bulshada ku dhaqan gobolka xusuusinayaa in tartanka foodda inagu
soo haya ee 2004 uu si weyn uga duwanaan doono kii hore.” Laakiin C/raxmaan
Jaamac Rooble, waxa uu dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada gobolka
Hargeysa in ay ka qayb-qaataan ololaha lagu horumarinayo xulka Gobolka
Hargeysa iyo guud ahaan ciyaarahaba.
Qoraalka Isu-duwaha Ciyaaraha gobolka Hargeysa oo dhammaystirani waxa uu u
dhignaa sidan:
“Anigoo ka duulaya muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin dhallinyarada, isla
markaana maanka ku haya sumcadda gobolkan Hargeysa ku lahaa kubadda cagta
ee gobollada dalka, Hargeysina taahy tusaalaha gobollada kale eek u
waajahan saaxadda ciyaaraha Somaliland dhinac walba. Kadib markii aan
ururiyay macluumaadka iyo talo-bixinadii kala duwanaa ee Xeel-dheerayaasha
kubadda cagta ka bixiyeen, waxaan daraasad qoto-dheer kadib ku ogaaday
qodobo dhawra oo sababay in ay xulkii gobolka Hargeysa ku hadhaan meel aan
hore looga baran, waxaanay qoddobadaasi ahaayeen:
Waqtigii ay kooxdu ugu diyaar-garoobi lahayd tartankii gobollada ee
sannadkii 2003 oo si kedis ah u soo waajahay.
Ciyaartoydii la xulay ee gobolka metelayay oo u badnaa ciyaartoy da’doodu
weyn tahay, muddana ku soo jiray garoomada kubadda cagta.
Tababarka oo ku yaraa, taasina ay keliftay in kooxdu isla qabsan weydo.
Dhayalsi ay dhayalsadeen kooxihii ay ciyaaraha la yeesheen.
Haddaba maadaama aanu casharo iyo waayo-aragnimo badan ka dhaxalay
tartankii gobollada ee sannadkii 2003, waxaanu bulshada ku dhaqan gobolka
xusuusinaynaa in tartanka foodda inagu soo haya ee 2004-ta uu si weyn uga
duwanaan doono kii hore, iyadoo aanu maalmaha soo socda soo saari doono
liiska magacyadii ciyaartoyda xulka gobolka ee kubadda cagta iyo koleygaba
meteli lahaa, kuwaas oo noqon doona qaar lagu soo xulo ciyaartooda,
farsamadooda iyo da’ yaraantoodaba.
Haddaba waxaan bulshada gobolka ku wargelinayaa in ciyaartoyga gobolka loo
xulayaa ay noqon doonaan sidan:
Dhallinyaro da’ yar, farsamo ciyaareed leh.
Waxa marka aanu xulno ay si joogto ah u bilaabi doonaan tababaro badan, si
ay isula jaan-qaadaan.
Haddaba si arrimahaas noogu hir-galaan, waxaanu ganacsatada reer Hargeysa
ugu baaqaynaa inay ka qayb-qaataan ololaha lagu horumarinayo xulka Gobolka
Hargeysa iyo guud ahaanba ciyaaraha gobolka oo ay si wadaniyad leh gacan
uga geystaan kobcinta ciyaaraha gobolka, si ay u soo baxaan mustaqbalka
dhow dhallinyaro xor ka ah mukhaadaraadka iyo balwadaha oo runtii ah aafo
si weyn dhallinyarada uga curyaamisa dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka,
waxbarashada iyo ciyaaraha, taasina waxay ku iman kartaa dedaal iyo
iskaashi heer gobol ilaa heer Qaran ah oo la iska kaashado sidii looga
badbaadin lahaa arrimahaas oo dhan.” Top
AC Milan Oo
Koobka Horyaalka Liiga Talyaaniga Ku Guulaysatay Markii 17aad
|
“Hambalyo, Waxaana Guushan ay ku gaadheen
Guulihii ay kaga adkaadeen Kooxaha hirdanku ka dhexeeyo”
Tababarah Roma, Fabio Capello
Milan, May 4, 2004 (W. Wararka) – Kooxda AC Milan ayaa ku guulaysatay
horyaalkii 17aad ee Tartanka Kooxaha Talyaaniga, waxaanay markii ugu
horeysay tan iyo sannadkii 1999-kii kor u qaadeen koobka horyaalka Serie
A, kadib markii 1-0 kaga badiyeen ciyaar dhexmartay kooxda kaalinta labaad
soo gashay tartanka ee AS Roma Axadii toddobaadkan.
Gool uu daqiiqadii 2aad madaxa ugu dhaliyay xiddiga reer Ukraine ee Andriy
Shevchenko ayaa kooxda AC Milan siiyay guusha, waxaanay taasi ka dhigtay
in ay 9 dhibcood kaga horeyso kooxda Roma kala-sareynta dhibcaha kooxaha
Serie A, iyadoo ay 2 ciyaarood oo keliyi ka hadhsan tahay tartanka.
Laakiin waxa jiray muuqaalo fool xun oo ciyaarta gudaheed ka dhacay,
kuwaas oo tiraba laba jeer sababay in ciyaarta hakad la geliyo, kadib
markii ay taageerayaasha kooxda Roma ku soo tuureen garoonka gudihiisa
aaladaha dabka ah iyo sawaariikhda ololka leh.
Guusha AC Milan waxay dhammaystirantay kadib markii ay kooxda hirdanku ka
dhexeeyo ee Roma ay ka guulaysteen labadii ciyaarood ee gurigeeda iyo
dibadaba ahayd, iyadoo dhinaca kalena kooxda Milan hal ciyaar ah oo keliya
oo liiga Serie A ah laga adkaaday xilli-ciyaareedkan. Sidoo kalena waxay
kooxda Milan heshay dhibcihii ugu badnaa xilli-ciyaareedyada, tan iyo
sannadkii 1994-kii, kaas oo ay saddex dhibcood ku qaaday.
Sidoo kale, haddii ay barbardhac ciyaartan geli lahaayeen kooxda uu
tababaraha u yahay Carlo Ancelotti, waxay u hogaamin lahayd horyaalkii
“Scudetto” ugu horeeyay ee uu kula guulaysto kooxda intii uu tababaraha u
noqday, kadib markii uu ku guulaystay Horyaalka Yurub xagaagii hore,
waxaanay ciyaartoyda Milan muujiyeen inay doonayaan arrintan ku soo
geba-gabeeyaan taageerayaashooda San Siro ku suggan hortooda.
“Tani waxay ahayd dariiqii ugu wanaagsanaa ee loogu guulaysto Horyaalka –
la ciyaarada Roma ee garoonka San Siro,” ayuu yidhi ciyaaryahanka khadka
dhexe ee Dutch-ka ah, Clarence Seedorf.
Tababaraha kooxda Roma, Fabio Capello, oo isagu xilliyo wanaagsan la soo
qaatay kooxda Milan, tababarena u ahaa waqtiyadii hore ee sagaashamadii,
ayaa u hambalyeeyay kooxdiisii hore, “Hambalyo ayaan leeyahay kooxda
Milan, kuwaas oo runtii helay xilli-ciyaareed weyn. Waxay sameeyeen
rikoodh dhibco badan ah, balse waxay taasi ahayd guulihii ay kaga
guulaysteen kooxaha ay hirdanku ka dhexeeyo, taasina waa ta keentay faraqa,”
ayuu Capello.
Kooxda AC Milan, oo iyadu imika afartii ciyaarood ee Liiga iyo Koobka
Talyaanigaba ka badisay kooxda Roma ee ugu soo dhow kooxaha loolanku ka
dhexeeyo, ayaa waqtiyadii bilowga ciyaartaba hogaanka u qabatay kooxda
Roma. Ciyaartoyda reer Brazil ee Kaka ayaa dhinaca midig ka soo karoosay
kubad daqiiqadii 2aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, taas oo uu Andriy
Shevchenko si qurux badan madaxa ugu dhaafiyay goolhayaha kooxda Roma ee
Ivan Pelizzoli, goolkaasina waa goolkii 22aad ee xilli-ciyaareedkan uu ka
dhaliyay Shevchenko tartanka Liiga Talyaaniga ee Serie A.
Gebi ahaan qaybtii hore, waxaa gacan-sareeyay kooxda AC Milan, balse
kooxda Roma ayaa isku dayday inay qaybtii labaad natiijada ciyaarta
barbareeyaan, iyadoo fursadii ugu dhawayd ahayd laad xor ah uu laaday
kabtanka Roma, Francesco Totti, kubaddaas oo gacanta (Suxulka) Shevchenko
oo gidaarka difaaca Milan u taagnaa ku dhacday, waxaanay ciyaaryahanada
Roma dalbadeen rigoore, balse garsooraha ciyaarta ayaa taas isagu ka
diiday.
Inkasta oo jawiga garoonku kacsanaa oo ay taageerayaasha Roma aaladaha
dabka ku tuurtuurayeen garoonka ay soo buuxiyeen taageerayaasha Milan,
waxay kooxda Milan gashay waqti farxadeed markii uu la afuufay siidhigii
dhammaadka ciyaarta, iyadoo tababare Ancelotti u dabaal-degay horyaalkii
labaad muddo laba xilli-ciyaareed oo buuxa ah.
“Waa shay heer sare ah, aad baanan ugu faraxsanahay, gaar ahaan
muuqaalkayaga maanta.” Sidaa waxa uu u sheegay tababare Ancelotti
Telefiishan Talyaaniga ah ee Sky Sport, “Roma waxay soo ciyaartay
xilli-ciyaareed wanaagsan, sax baanay ahayd in ay ciyaartan ku soo
geba-gebowdo,” ayuu yidhi tababaraha AC Milan, oo isagu laba jeer kaalinta
labaad soo galay tartanka horyaalka Liiga ay hogaaminaysay Juventus.
Dhinaca kale, kabtanka kooxda AC Milan, Paolo Maldini iyo difaacyahanka
Alessandro Costacurta ayaa dhigay rikoodh, kadib markii ay horyaalkii 7aad
kula guulaysteen kooxda.
“Anigu aad baan u hanweynahay ka mid ahaanshahayga kooxdan ciyaartoyda ah
iyo naadigaba, kaas oo ku guulaystay wax kasta, run ahaantii u qalma inay
ku guulaystaan “scudetto” koobka Horyaalka Talyaaniga sannadkan,” ayuu
yidhi Maldini, “Koobka Horyaalku “The Scudetto” had iyo jeer waa wax
qaaliya, hadduu yahay kii kuugu horeeyay ama kuugu dambeeyayba.
Koobkii waa kii 43aad ee ay ku guulaysato kooxda AC Milan taariikhda dheer
ee naadigani soo maray, waxaana naadigan la aasaasay 1899-kii.
Waxaanay kooxdu saddex iyo afartankaa koob oo isugu jiray horyaalka
Talyaaniga, koobka Talyaaniga, Supercup-ka Talyaaniga, horyaalka Yurub,
koobka Yurub, Coppa Latina iyo Intercontinental Cup, u kala qaaday . Top
Maraykanka Oo
Sheegay Inay Ciqaabayaan Askartiisa
Jidhdilka xun U Geysatey Maxaabiista Reer Ciraaq |
Falluja May 4, 2004 (W.Wararka taliska
Ciidamada maraykanka ee Ciraaq ayaa sheegay in la ciqaabi doono askartii
Maraykanka ee ku lug lahayd jidh-dilkii lagu sameeyey maxaabiis
Ciraaqiyiin ah, taasoo soo shaac baxday markii laga siidaayey sawiradooda
warbaahinta caalamka.
Sida uu sheegay warka ka soo baxay taliska Maraykanku askarta arintan loo
ciqaabayo waxay tiradoodu dhantahay 6 iyadoo qaar kalena baadhistoodu ay
socoto.
Balse wax faahfaahin ah kamay bixin nooca ciqaabta iyo magacyada
askartaasi lagu eedaynayo inay falkaasi geysteen.
Dhinaca kale, Guutada Ciraaqiyiinta ah ee Falluja degay ayey tiradoodu
laba jibbaarantay tan iyo markii saddexdii boqol ee ugu horreeyey ay
socodka ku mareen Falluja Jimcihii.
Ciidamadan oo ka kooban askartii dowladdii hore ee Ciraaq ayey tiradoodu
haatan mareysaa lix boqol. Qaar badan oo kale ayaana la filayaa in ay
shaqo u soo xaadiraan.
Hoggaamiyayaashoodu waxa ay ciidanka Mariiniska Mareykanka oo iyaga gacan
siin doona weydiisteen in loo soo badiyo dharka iyo hubka ay u baahan
yihiin.
Ilaa iyo hadda guutada cusub ee ciidanka Ciraaqiyiinta laga qorey iskama
ayna hor iman dadka dagaalka kaga soo horjeeda ciidamada Isbaheysiga.
Waxana uu Afhayeenka ciidanka Mareykanka, Mr T.V Johnson, sheegey in
istaraatijiyadda Ciraaq ay tahay in ciidankan la soo celiyey looga
golleeyahay in ay shicibka ku soo laabanaya Falluja u kaashadaan sidii
looga aqlabiyad noqon lahaa kuwa dagaalka ka wada Falluja ee ka soo
horjeeda ciidamada Isbaheysiga.
Waxa uu T.V. Johnson sheegey waxa istraatijiyaddii markii hore la
dajiyeyba ay ahayd in qoysaska Ciraaqiyiinta ee Falluja ka firxadey lagu
soo celiyo magaalada, sababtuna waxa ay tahay buu yidhi dhaqanka
Ciraaqiyiinta waxa aad ugu weyn arrimaha qoyska.
Saraakiisha jooga xarunta Mariiniska Mareykanka ayaa sheegey in Sareeye
Gaas, Jasim Muhammad Salih uu sii ahaanayo hogaamiyaha guutadan cusub ee
hadda la sameeyey.
Jeneraal Salih waxa uu la soo shaqeeyey indheergardkii ilaalada Jamhuuriga
ee Saddam Hussein, waxyaabihii uu sameeyey wakhtigii uu ku jirey ciidanka
ayaa ah arin ay walaac ka muujiyeen saraakiisha jooga Baqdaad iyo
Washington kuwaas oo sheegay in la badeli doono.
Laakiin wakhtigan xaadirka ah, waa Jeneraal Saalix ninka ay saraakiisha
Mariinisku sheegeen iney ku tiirsanyihiin inuu deganaasho ku soo celiyo
magaalada Falluja. Top
Mexico Iyo
Cuba Oo Xiisad Siyaasadeed Ka Dhex Aloosanatay |
Havana May 4, 2004 (W.Wararka Xiisad
siyaasadeed ayaa ka dhex aloosan dalalka Meksiko iyo Kuuba ka dib markii
uu soo kala dhex galay muran siyaasadeed.
Waana xidhiidh si deg-deg ah aad ugu sii xumaanaya oo u dhexeeya waddamada
Mexico iyo Cuba. Shir jaraa'id, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mexico,
Luis Ernesto Derbez, ku sheegay in danjirihii Mexico u fadhiyey Havana,
xarunta dalka Cuba, dib loogu yeedhay in uu dalka ugu soo noqdo, isla
markaana Cuba la siiyey 48 saacadood in ay danjirahooda kagala baxaan
magaalo madaxda Mexico.
Wasiirku wuxuu sheegay in aanay Mexico marna u dulqaadanaynin xaaladdu
sida ay doontaba ha ahaatee in dowlad shisheeye ay isku daydo in ay
saamayn ku yeelato go'aanada dalkeeda ee siyaasadda arrimaha dibadda ama
siyaasadda arrimaha gudaha.
Dhacdooyin dhowr ah ayaa u muuqda in ay keeneen in go'aankaasi la gaadho,
waxaana ugu dhowaa in Mexico ay dhowaan taageertay cod loo qaaday QM
dhexdeeda oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Cuba oo la
dhaleeceynayey.
Tani markaasi waxay keentay in Fidel Castro-ha dalka Cuba uu jeediyo
khudbad aad u qadhaadh kowdii bishan May oo cambaareynaysa hoggaamiyaha
Mexico, Vicente Fox.
Wuxuu sheegay in Mexico oo u taagan sida hoggaamiye madax bannaan oo reer
Latin America ah ay tahay mid u baaba'day taageerada qadhaadhka uu
Mareykanku horkacayo dartiis.
Saraakiisha dowladda Havana ee Cuba waxay iyaguna sameeyeen hadallo
khuseynaya fadeexado musuq-maasuq ah oo Mexico ka dhacay taasoo iyadana
xajiin ku kicisay dowladda Mexico.
Waxa sidoo kale lagu sheegay shir jaraa'id in xubno dhowr ah oo ka tirsan
xisbiga shuuciga ah ee Cuba lagu helay in ay hayeen hawlo ka baxsan
hawshooda diblomaasiyadeed.
Khudbaddii kowdii May ee Fidel Castro waxay sidoo kale ka cadhaysiisay
dowladda Peru, taasoo iyana ku dhawaaqday in ay danjiraheeda kala baxayso
magaalada Havana ee xarunta dalka Cuba.
Dowladda Lima ee Peru waxay sheegtay in hadallada hoggaamiyaha Cuba ay
iyada lid ku ahaayeen marka laga hadlayo taageerada Peru ee qaraarka QM ee
xuquuqda aadanaha. Top
|