Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 591 May 19, 2004

“Cidda Leh Kooxaha Somaliya Iyo
Shirka Imbagati Xidhiidh La Yeesha, Waxaan
Leeyahay Ummaddu Iima Dirran, Lana Xidhiidhimaayo”
Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ee Fagaaraha Khayriyada Shalay 18-Kii May

Hambalyada Gudoomiyaha Kulmiye Ee 18-May

Boorama Iyo Gebilay Iyo Sida Looga Xusay 18-Ka May

Burco Iyo Xuska 18-Ka May

Hargeysa: Mudaharaad Dadweyne Oo Isla Oogsaday Iyo Ciidamada Bilayska Oo Kaga Jawaabay Budh, Laad Iyo Rasaas

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ururka Al-Itixaad Oo Lagala Baxay Xabsiga Boosaaso

Waa Sidee Muuqaalka Awdal Sanad Ka Dib Doorashadii Rayaale?

Laash-ka Ay Samaysay Shirkadda Gamuur Oo Noqday Ka Ugu Wax-Soosaarka Badan Berbera

Mashruuca horumarinta Biyaha Miyiga

Asraartii Ku Xeernayd Xadhigii Kooxdii Ismaaciil Iyo Cumar

Ciidamada Israa’iil Oo Xasuuq Ballaadhan Ka Geystay Degmada Rafax

Bush Oo Canbaareeyey Dilkii Madaxii Maamulka Ciraaq


“Cidda Leh Kooxaha Somaliya Iyo
Shirka Imbagati Xidhiidh La Yeesha, Waxaan
Leeyahay Ummaddu Iima Dirran, Lana Xidhiidhimaayo”
Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ee Fagaaraha Khayriyada Shalay 18-Kii May

Hargeysa, May 19, 2004 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay fagaaraha Khayriyadda Hargeysa dadweynaha caasumadda Hargeysa uga jeediyey khud-bad ku saabsan munaasibaddii xuska sannad-guurada 13aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqiddii la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland, wuxuuna madaxweyne Rayaale khud-badiisa kaga hadlay arimo dhawr ah. Laakiin khud-badaasi iyadoo dhamaystiran waxay u dhignayd siddan:
“Maanta oo aynu xusayno sannadguuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii aynu xoriyadeena dib ula soo noqonay, waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, goboladoodiisa, degmooyinkiisa iyo qurba jooga Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Maanta oo taariikhdu tahay 18 May 2004, waxaa inagu waajiba in aan ilaahay ugu mahadnaqno halka aynu joogno iyo xaaladda aynu ku sugannahay. Hayaanka geediga taariikheed ee ummaddani soo martay laga soo bilaabo 1991 ilaa hadda marka aan qiimeeyo, meesha aan ka soo dhaqaaqnay xaaladeedu sida ay ahayd, beesha caalamku inta xog-ogaalka inoo ahi waxay ku qiimeeyaan waxqabsigeena mucjiso, inkasta oo himiladeena aan hiigsanayno ay waxbadani ka dhiman yihiin.

Waxa nasiib wanaag ah iyadoo beesha caalamku, Afrika,Carab iyo EU-duba ay indhaha inaga lalinayeen aynu suurto gelinay doorashooyin xor ah oo dimoqraadi ah, taas oo goob joogayaashii caalamku ku tilmaameen siday ku dhacday mid ka saraysa ta dunida sadexaad ka dhacda. Doorashada ka hadhay dhamaystirka dimoqraadiyada oo ah baarlamaanka, waxaan ku tallo jirnaa haduu illaahay yidhaa, inay dhacdo dhamaadka March 2005 iyada oo golaha wakiilada iyo xukuumaddu ay diyaarin doonaan wixii dhiman sida ugu dhakhsaha badan.

Somaliland doorashada ka hor beesha caalamku waxay ku tilmaami jirtay meel ka nabadoon Somaliya inteeda kale, maanta dad badan oo caalamka wax qora oo dalkeena yimid waxay si cad oon gabasho lahayn qoraalo iyo shirar ay qabteen ugu baaqeen AU, UN iyo EU-da in la aqoonsado Somaliland. Taasi waxay bedeshay fikradii doorashada ka hor laga qabay Somaliland een hore u soo sheegay ee ahayd Somaliland way ka nabad roon tahay Soamaliya inteeda kale.

Waxa abuurmay dad badan oo aqoonyahano beesha caalamka ka tirsan ah oo u dooda xuquuqda ummaddaha dimuqraadiyada ku dhaqma iyo xuquuqda qawmiyaduhu u leeyihiin madaxbanaanidooda oo maanta u hadlaya Somaliland, sida ICG (International Crisis Group), Diana games, (Games is a director of Africa@work) greg mills, (Sall National Director) Jeffrey herbst, (Chairman of the department of politics at Princeton Universit), David shinn (Retired abmasador) iyo qaar kaloo bada, kuwaas oo dhamaantood dalka yimi oo madaxda qaranka waraystay iyo bulshada inteeda kale, indhahoodana wax ku arkay.

Waxa kaloo ka mid ah weftigii UK Parliament-ka ka socday oo iyakuna kaalinta ay ka qaateen aad wada ogtihiin iyo waliba doodii ay ka jeediyeen House of Commons-ka. Waxa xusid mudan in wakhtigii doorashooyinka soo dhawaayeen, maalin maalmaha ka mid ah anoo la hadlaya xisbiga UDUB aan ku dhawaaqay in muddo la kor kordhiyo aanay Somaliland ku iibsamayn ee ay ku iibsamayso doorasho.

Arimahaasi kumay iman hadyad caalamku inagu taageeray, ee waxay ku timi dedaal ay ummadani iyo xukuumaddu isu geeyeen oo ay ku muujiyeen siday uga go’an tahay inay noqdaan qaran madaxbanaan oo xor ah. Hadaba Somaliland xaaladan cusub ee ay gashay, waxa abuurmay cadaawad xoog badan oo lagu wiiqayo jiritaanka oo cadawgeenu uu maleegayo, waxa dhacay October 2003 laba fal oo argagixiso ah oo lagu dilay gabadhii Talyaaniga ahayd Annelena Tonnelli oo lagu dilay Boorama iyo Mr: Eyeington Richard Gardner iyo xaaskiisii Mrs: Eyeington Enid labadii macalin ee iyana sheekh lagu dilay, iyo kii ugu dambeeyey ee isla sannadkan gudihiisa lagu dilay Flora Chepkemol Cheriyot gabadhii Kiinyaatiga ahayd ee GTZ u shaqaynaysay ee Hargeysa iyo Berbera u dhexaysay intii aan safarka ugu maqnaa Ingiriiska, dillalkaas argagixiso oo lagu laynayay dad umadeena u khidmaynaayay.

Falalkaas markii aan qiimayn ku sameeyay laba ujeedo oo ummaddan khatar ku ah ayaa looga jeeday:

In lala dagaalamo dadka shisheeyaha ah ee umadeena wax u qabanaya.
In ummadda caalamka loo tuso hoy ay argagixisadu wax ku fuliso, taas oo loola jeedo in lagu niyad jabiyo dadka shisheeyaha ah ee doonaya in ay maal-gashi ku sameeyaan.

Markii labadii fal ee u horeeyey dhaceen, waxaan ku tilmaamay argagixiso, qaar inaga mid ah ayaa ka dooday in aanay argagixiso ahayn. falkii ugu dambeeyey ayaa idiin cadeeyey ummadyahay in fallalkani ay ahaayeen kuwa argagixiso oo lagu wiiqayo jiritaankeena. Waxa nasiib wanaaga argagixisadii falkii ugu dambeeyay fulisay oo aynu gacanta ku hayno, waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa dadweynaha tuulada dhoqoshey ee sidii geesinimada lahayd u qabqabtay argagixisadan, si deg deg ah ayaan maxkamadda u hor-keenaynaa. Waxaan idiin waydiisanaynaa in aad nagu taageertaan la dagaalanka argagixisada ee aanu u aragno badbaadada ummadda ee saw naguma taageersanidin?

Marka aan ka waramo safaradii aan ku tagnay Ingiriiska iyo Belgium:

12-kii bishii March, waxaan wefti ka kooban saddexda gole qaran aan ugu amba-baxnay dalka Ingiriiska, anagoo ka haysanay martiqaad dawladda Ingiriiska, run ahaantii booqashadaasi waxay ahayd mid taariikhiya oo guul soo hoysay. Waxaanu kulano la yeelanay guddiga arrimaha debeda ee House Of Commons oo aanu kala hadalnay qadiyada Somaliland iyo xuquuqda aanu u leenahay in dawladda Ingiriisku ay na Ictiraafto, waxay si buuxda noogu ballan qaadeen in ay dawladooda ka dhaadhicin doonaan sidii Somaliland aqoonsi iyo waxtar dhaqaaleba loo siin lahaa.

Sidaad ka warqabteen waxaan baarlamaanka Ingiriiska “Hoose of Commons” ka jeediyay khudbad kollay aan filayo inaad ka dhegaysteen BBC-da, taasi oon si fiican ugu soo bandhigay qaddiyada Somaliland iyo dhamaan inaan buuxinay shurruudihii dawaladnimo, sidaa darteed ay waajib tahay in aan ka helno caalamka aqoonsiga aanu xaqqa u leenahay. Waxaan mahad ballaadhan u celinayaa qurba jooga Ingiriiska, kuwa Europe ka yimid iyo kuwa Maraykanka ka yimid ee ka hor mudaharaadayay gurigii aan ka hadlayay baarlamaanka ingiriiska ee “House of commons), kuwaas oo muujiyey wadaniyad aad u saraysa.

Waxaanu isna la kulanay Chris Mullins, wasiiru dawlaha arimaha debeda ee Ingiriiska oo qado nagu siiyay xarunta wasaarada arimaha debeda ee Ingiriiska isaga iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha debeda, halkaas oo qadiyadeena qoraal iyo wadahadalba aanu ugu gudbinay. Run ahaantiina wuu noo ballan qaaday waxyaabihii aan ka wada hadalnay, in awoodiisa aanu waxba kala hadhayn sidii uu suurto galin lahaa. Waxa kalloon la kulanay xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Mr: Hillary Ben oo qoraal mashaariic horumarineed aanu u gudbinay, isna wuu naga ballan qaaday waxyaabihii aanu u gudbinay in uu jawaab naga siin doono, isagoo ballan qaaday in mashaariicda horumarineed si deg deg ah waxa uga qaban doonaan.
Waxay kaloo wasiiradu kulan la yeesheen Crown Agency oo ah Hay’ad khabiir ku ah xagga dakhli ururinta oon ku martiqaadnay in ay dalka yimaadaan, taas oo naga caawin doonta nidaamka dakhli kobcinta iyo dib u habaynta dhaqaalaha, waxaanan filayaa in ay dhowaan dalka iman doonaan. Heshiisna waanu la gali doonaa iyagoo wadamo badan oo Africa ah iyo Europe ah ku caawiya xaga dakhli ururinta. Dhamaan guud ahaan masuuliyiinta Ingiriiska eenu la kulanay waxay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin sidii ay wax inoola qaban lahaayeen. Dhowaana waxaan rajaynaynaa in wufuud ka socota UK oo jawaabo ka sida wixii aanu ka codsanay dawlada Ingiriiska ay dalka Yimaadaan.

Kullan ay si fiican u soo habeeyeen qurba jooga Somaliland ee Ingiriisku, kuwaas oo ay ka soo qayb galeen kuwa ka yimi Europe iyo Maraykanka oo nagu soo dhaweynayay weftiii aan hogaaminayay, waxaanu ka jeedinay hadal aniga iyo weftiguba, anagoo uga xog-waranay marxalada dalku marayo iyo anagoo ku boorinay in ay mid u ahaadaan qadiyada Somaliland. Isla markaana kula dardaarmay in ay dalkooda soo dhistaan, waxna soo bartaan su’aalo badan oo ay na waydiiyeena waanu uga jawaabnay. Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Waxa kaloon tagnay dalka Belgium, halkaas oo aanu kulano kala duwan kula yeelanay baarlamaanka Belgium-ka baarlamaanka Europe iyo ururka ICG. Dhamaan kulamadaas aanu la yeelanay waxaanu ugu gudbinay mashaariic horumarineed oo aanu waydiisanay EU gaar ahaan. Baarlamaanka Belgium waxay inoo muujiyeen inay waydiiyeen cidda halkan inooga wakiil ah, waxaanan isla goobtii ugu magacaabay Maxamuud Cabdi Dacar walkiilkeena Belgium iyo EU-ba inooga wakiil ahaado, waxayna ballan qaadeen in ay qadiyadeena taageeraan. Guud ahaan safarkaas wuxuu ahaa guul u soo hoyotay Somaliland, cidda kaliya ee ka naxday safarkaasina ay yihiin cadowga Somaliland. Waxa ka hor intii aanan Ingiriiska tegin aan la sii kulanay commission-ka AU, waxaana na qaabilay Alpha Oumar kanaare, oo ahaa gudoomiyaha ururka Afrika, waxay nagu qaabileen xarunta AU ee Addis Ababa, waxyaalaha aanu kala hadalnay waxa ka mid ahaa in xaqqa aan aqoonsi u leenahay nala siiyo, iyo inta aan aqoonsiga ka helayno in ay observer status noo ogolaadaan iyo anigoo waliba waydiiyay shuruudaha lagaga mid noqon karo ururka Africa, maxay ku dhacday Somaliland oo doorasho xor ah samaysay, madaxweyne la soo doortay leh, dimoqraadiyadi ka jirto loogu ogolaan waayay inay ka mid noqoto AU-da, iyo maxay ku dhacday C/qaasim oo aan dalna matalin, cidna matalin uu xubin uga noqday AU, run ahaantii jawaab looma helin su’aalaha, laakiinse waxa aan uga mahadnaqaynaa Alpha Oumer Konoure iyo saaxiibadii sidii wanaagsanayd ee ay noo dhagayteen, markii dambana waxay na waydiisteen bal sida arimaha Somaliya wax looga qaban karo, in aan talo ka siino. Kullankayaga warbixin ayay AU-du ku soo saartay. Soo noqodkii aan Europe ka soo noqday waxaanu la kulanay Prime Minister-ka Itoobiya Mr: Meles Zenawi, halkaas oo aan isku dhaafsanay sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo noo ballan qaaday in wixii ay ina tari karaan uu gacan ka gaysanayo. Inkasta oo waxbadani noo qabsoomeen, hadana wali waxa ina horyaal arimo badan oo u baahan in aan xal u helno, si looga baxa shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumida waxa gudaha iyo maalgelinta shihseeye labdaba. Sideedaba shisheeyaha iyo ninka lacagta haysta waxay u baahan yihiin shuruuc u damaanad qaada maalgelintooda iyo kalsooni nabadgelyo ay u helaan hantidooda.

Xukuumadu shuruuc badan oo dhiiri gelinaysa maalgelinta shisheeyaha iyo sokeeyahaba way diyaarisay, xukuumadu amniga intii awoodeeda ah diyaar bay u tahay, hase yeeshee wax kasta oo xukuumaddu diyaariso waxa xoojinaya kalsoonida uu shacbigeenu siiyo shisheeyaha dalkeena maalgahshiga u yimaada. Sidaa darteed xukuumad iyo shacbi waxa la inooga baahan yahay in aan dhiiri gelino dadka dalkeena maalgashiga ku samaynaya. Arimahaas marka xukuumadda iyo shacbigu iska kaashadaan, waxa hubaal inoo noqonaysa in dalkeenu camirmayo, shaqo iyo dhaqaaleb abuurmi doono. Waxaan idiin sheegayaa in hadaba jiraan shirkado shisheeye ah oo meelo badan ka socda oo danaynaya in ay dalkeena maalgashi ku sameeyaan. Waxaan idinku boorinayaa in la soo dhoweeyo. Dalkeenu faqri maaha, khayraad badan oo dabiici ah ayuu ilaahay ina siiyay, taas oo u baahan dad aqoon iyo cid khibrad leh oo aan la kaashano. Adduunkan, waxa jira dalal aan khayraad lahayn, hadana ugu dhaqaale fiican adduunka, sida Singapore iyo Hong kong, waxay gaadheen dedaal maamul ay dadku iskaashadeen, waxna inoo ballana dedaal iyo iskaashi, si aan horumar u gaadhno.

Somaliland, rajo badan ayaan ka qabaa in aqoonsi caalamiya ay hesho, qaar badan oo dadka ugu sheekeeya rajo la’aan ayaa jira oo sheega in aan Somaliland la aqoonsanayn, kuwaasi waxaan leeyahay insha Allah deg deg baa loo aqoonsan Somaliland.

Biyaha Hargeysa:

Waxa jirta maahmaah odhanaysa “Roma Maalin laguma dhisin”. Xukuumad ahaan dedaal umaanan yaraysan sidii loo qalabayn lahaa wakaalada biyaha Hargeysa, hase ahaatee ilaa hada mashaariic socota oo aan dhamaystirmin ayaa jira oo aan rajaynayo markay isku soo dhamaato in ay wax ka bedeli doonto biyaha Hargeysa. Guddi soo baadha biyaha Hargeysa ayaan sameeyay kuwaasi oo warbixinoodii ii soo gudbiyey, tallooyinka ay ii keeneena waan qaadan doonaa.

Waxa kaloo muuqatay in biyaha geed deeble aanay mustaqbalka noqonayn qaar biyaha Hargeysa ku filnaada, sidaa darteed, waxaan samaynay daraasad labaad oo biyo loogu raadinayo Hargeysa, daraasadaas oo bangiga islaamku la wareegay lana filayo in ay dhowaan maalgeliyaan. Waxaan leeyahay dadka baryahan dambe caruurta iyo dumarka tashuushka ka abuura, ummadiina u naxa oo ka daaya beenta iyo fidmada aad kula dhex wareegaysaan ilaahay wuu idin waydiin aakhiree.

Waxaan u sheegay cidda ku hadaaqaysa ee leh kooxaha Somaliya iyo shirka Embaqati xidhiidh la yeesha, anigu waan ka soo horjeedaa, ummadduna iimay diran, lana xidhiidhi maayo ee sidaa haloo ogaado. Ummadda reer Somaliland, himiladeenu waa nabad, horumar taa xoojino oo aan isku ogaano. Beesha caalamka waxaan ka codsanayaa in aqoonsiga aanu xaq u leenahay ay noo fidiyaan, taas oo ah xuquuqda asaasi ah aanu xaqa u leenahay kuna qoran Charter-ka UK. Dalalka Africa, waxaanu leenahyay guusha Somaliland gaadhay oo loo baahan yahay in Africa guud ahaan ku faanto oo taageerto. Ilaahay waxaan waydiisanaynaa nabad, nolol, barwaaqo iyo guuli if iyo aakhiro”.

Top


Hambalyada Gudoomiyaha Kulmiye Ee 18-May

Hargeysa May 19, 2004 (Haatuf) Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo ayaa munaasabada 18-ka May hambalyo u diray guud ahaanba shacbiga Somalilandhambalyadaasi oo qoraal ahina waxay u qornayd sidan.” Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye , isagoo ku hadlaya magaciisa , kan guddiga Fulinta xisbiga KULMIYE, Kan golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga , wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba, isagoo ugu hambalyeynaya munaasibadda 13 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoashada gooni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland oo ku began 18.05.04, wuxuuna ugu ducaynayaa inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan horumar, bash bash iyo barwaaqo”.

Top


Boorama Iyo Gebilay Iyo Sida Looga Xusay 18-Ka May

Gebilay, May 19, 2004 (Haatuf) – Magaalada Boorame ayaa shalay laga xusay sannad-guurada 13aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland, iyadoo ay masuuliyiinta dawladda ee Boorame dadka kala hadleen fagaaraha khud-badaha.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar badhasaabka Maxamud Sh. C/laahi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadashay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ waxaan idin xusuusinayaa inaynaan Xamar dal-xiis uga iman ee xabad la isla dhacay, hadii aad ilaashan waydaan ogaada inaanay jirin dunida meel kale oo aad nabadgelyo ugu tegaysaan”.

Maayarka Boorame C/raxmaan Sh. Cumar ayaa isna halkaa ka hadlay, isaga oo dadka u rajayeeyey guul iyo barwaaqo inay ku gaadhaan sannadka dambe.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee Boorame ayaa iyaguna socod gaardis ah ku maray fagaaraha khud-badaha.

Sidoo kale magaalada Gebilay ayaa shalay laga xusay sannad-guuradii 13aad ee la soo noqoshadii madax banaanida Somaliland, waxaana fagaaraha khud-badaha dadka kala hadlay maayarka Gebilay Eng: Cabaas Jaamac iyo masuuliyiin kale, iyadoo uu weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay ku soo waramay in magaalooyin kale laga xusay munaasibadda 18 May, sida Arabsiyo, Tog-Wajaale iyo Allaybadday.

Top


Burco Iyo Xuska 18-Ka May

Burco, May 19, 2004 (Haatuf) – Magaalada Burco ayaa shalay laga xusay sannad-guuradii 13aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland, waxaana fagaaraha khayriyadda isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah, iyadoo ay halkaa khud-bado dadka uga jeediyeen masuuliyiinta Burco iyo weliba wasiir-kuxigeenka macdanta iyo biyaha dawladda Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo, sida uu ku soo waramay weriyaha Haaruf ee magaalada Burco Axmed Aadan Yuusuf waxa ugu horayn madashaa ka hadlay badhasaabka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, wuxuuna tilmaamo ka bixiyey qiimaha ay munaasibaddani leedahay.

“Sida caadadu ay tahay munaasibaddan oo kale madaxweynuhu waxa uu dadkiisa u gudbiyaa salaan, markaa waxaan halkan idiinku soo gud-binayaa salaantii madaxweynaha”ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay maayarka Burco Maxamed Diiriye Xayd, isaga oo ka waramay qiimaha ay maalintani leedahay iyo marxaladihii adkaa ee ay dadku soo mareen.

Waxa kale oo uu maayarku dadka reer Burco ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan bilayskana la shaqeeyaan.

Wasiir-kuxigeenka macdanta iyo biyaha ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “waxa ina soo maray ayaamo badan iyo dhibaatooyin badan, laakiin waxaynu maanta maraynaa in qof waliba halka uu joogo ka noqdo Daahir Rayaale iyo mujaahid, markaa waxa maanta loo baahan yahay in dalka la ilaashado”.

Dad badan oo ka tirsan hogaamiyayaashii ururka SNM oo munaasibaddan ka hadli jiray ayaan munaasibaddii shalay ee xuska 18 May ka hadlin.

Top


Hargeysa: Mudaharaad Dadweyne Oo Isla Oogsaday Iyo Ciidamada Bilayska Oo Kaga Jawaabay Budh, Laad Iyo Rasaas

“157 Qof Ayaa La Xukumay, Waxaana Loo Dhaadhiciyey Mandheera”
Taliyaha Bilayska Somaliland

Hargeysa, May 19, 2004 (Haatuf) – C/rashiid Cumar Maxamed oo 23 jir ah ayaa dhaawacmay, kadib markii ay xabaddi kaga dhacday daanka bidix, waxayna taasi ka dambaysay markii uu iska hor-imaad dhexmaray ciidamada bileyska iyo dadweyne mudaharaadayey, taas oo ay ciidamada Bileysku rasaas ku fureen dadkii mudaharaadayey, waxaana xabsiga lagu guray dad badan oo ay Bileysku qab-qabteen.
Mudaharaadkan oo socday muddo saacado ah waxa uu bilaabmay wax yar ka dib markii lagu soo kala dareeray khud-bad uu madaxweyne Rayaale munaasibaddii 18 May ka jeediyey fagaaraha kheyriyadda Hargeysa, waxayna dadka mudaharaadayey u badnaayeen dhalinyaro iyo dumar.

Madaxweyne Rayaale oo ay hareeraha ka raacayaan gawaadhi tikniko ah iyo ciidamo tiro badan waxa uu fagaaraha kheyriyadda gaadhay abaara sideedii oo wax dhiman, ka dibna waxa uu halkaa ka akhriyey khud-bad qoraal ah oo ilaa tobban bog ah, isla markaana meesha kuma raagin.

Kooxo dadweyne ah oo u badan dhalinyaro iyo dumar ayaa suuqa badhtamaha magaalada mar-ba dhinac u qaaday, laakiin cutubyo ciidamo ah ayaa ku dhex-dhacay dadka mudaharaadayey, waxayna ciidamada Bileysku budhadh iyo qoryaha dabadooda la dhaceen dad badan oo ka mid ah dadka mudaharaadayey, waxaana la sheegay inay jugo iyo dhaawacyo aan waaweyni soo gaadheen tiro dad ah.

Ciidamo tiro badan ayaa ku foofay suuqyada magaalada, kuwaas oo baacsanayey dadka mudaharaadaya, waxaana suuqyada magaalada dhexdeeda laga maqlayey sanqadha rasaasta, taas oo ay ridayeen ciidamada Bileysku, iyadoo ay Bileysku laadlaadsanayeen qoryo iyo budhadh. Sidoo kale waxa la arkayey askar dad ku garaacaysa budh ama qori dabadii, iyadoo dhinaca kalena la arkayey kooxo dhalinyaro ah oo dhagax tuuraya.

Inkasta oo uu sawaxanka madaharaadku inta badan ka baxayey suuqyada badhtamaha magaalada, haddana inta u dhaxaysa khayriyadda iyo saldhigga dhexe ee Bileyska ayaa ugu buuq iyo sawaxan badnayd.

"Waxaan arkayey askar qoriga gafuurkiisa la dhacaya qof dumar ah". Sidaa waxa yidhi qof goob joog ahaa.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo sababta iyo halka uu ka bilaabmay mudaharaadku, laakiin sida ay sheegeen weriyayaal Haatuf ka tirsan oo goobjoog ahaa waxa uu markii ugu horaysay guuxu bilaabmay ka dib markii ay dadkii isugu soo baxay fagaaraha kheyriyaddu si wanaagsan u maqli-waayeen khudbadda madaxweyne Rayaale, taas oo ay ugu wacnayd makarafoonada oo uu codkooda tashuush galay, taasina ay keentay inay kumanaan dadweyne ah oo hoganayey dhinacyada masraxa khudbadaha fagaaraha kheyriyadda ay qaylo ku dhuftaan, ka dib markii ay maqli-waayeen hadalka madaxweynaha.

"May maqlaysaan, may maqlaysaan.." Sidaa waxa ku tiraabay madaxweyne Rayaale oo dareemay inaan khudbadiisa la maqlayn.

Dadweyne aad u tira badan ayaa isugu baxay fagaaraha kheyriyadda, kuwaas oo danaynayey munaasibadda 18 May, isla markaana juuq-dhawrayey khudbadda uu Madaxweyne Rayaale ugu talo galay munaasibaddan iyo arimaha uu kaga hadli doono, laakiin nasiib darada dhacday waxay ahayd inay kumaankii dadweynaha ahaa ee hoganayey suryooyinka cidhiidhiga ah ee hareeraha ka xiga masraxa khudbadaha ee fagaaraha khayriyaddu si wanaagsan u maqli-waayeen ama ay maqliba waayeen hadalka Madaxweynaha, taasina waxay keentay inay iyadoo ay dadka qaar is leeyihiin tolow madaxweynihii miyaanu khudbaddii bilaabin ay ku war heleen inuu madaxweynihii baxay oo uu khudbaddii dhameeyey.

"Sameecaddii nalagu jeediyey tashuush miidhan bay ahayd oo waxba waanu ka maqli-waynay", "anigu meel u dhow ayaan taagnaa, haddana waxba kamaan maqlayn", “wixii ilaa xalay laga sanqadhinayey maxay ahaayeen", "Dawladdu hadii aanay makarafoonno haysan may na tidhaahdo makarafoonno soo qaata"; weedhahaas iyo kuwa kale oo la mid ahiba waxay ka mid ahaayeen hadaladii ay dadweynihii fagaaraha kheyriyadda isugu soo baxay ku hadaaqayeen.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn cilladda heshay cod-baahiyayaasha, hadana waxay u ekayd cillad farsamo, iyadoo sida la sheegay ay wasaaradda warfaafintu lahayd masuuliyadda diyaarinta makarafoonada.

Dhinaca kalena marka aad eegto jawigii fagaaraha kheyriyadda waxa la odhan karaa waxa kale oo iyaguna arbushka qayb ku lahaa ciidamo tiro badan oo lagu sii daayey agagaarka fagaaraha kheyriyadda, kuwaas oo uu faro fiiq-fiiqoodu badnaa, ka dibna ay iyaga iyo dadku isku arbushmeen, taasina ay keentay buuq iyo sawaxan isa soo taray oo aakhirkii isu rogay gacan ka hadal, iyadoo hab-dhaqanka ciidamadu qayb ka ahaa rabashka abuurmay.

Marka aad eego dadkii mudaharaadayey waxa sawaxankooda ka dhadhamayey afkaaro kala duwan, wuxuuna mudaharaadkaasi u muuqday mid aan abaabullayn oo hortaa banaan ah, laakiin ma caddayn inuu mudaharaadku goobta ka abuurmay iyo inuu jiray abaabul hore. Hase yeeshee waxyaalo kala duwan ayey dadku rumaysan yihiin, dadka qaar baa u arka inuu mudaharaadku ahaa mid la soo abaabulay oo ay ciddi ka soo shaqaysay, iyadoo ay qaar badan oo ka tirsan maamulayaasha dawladdu aaminsan yihiin dareen ah inay mucaaradku meesha ku dhex-jiraan, laakiin dad kale oo badan, kana mid ah dadkii goob joogga ka ahaa fagaaraha kheyriyadda ayaa aaminsan ama u arka inay jirtay maamul-xumo la xidhiidha agaasinka fantasiyaha iyo diyaarinta madasha khudbadaha, taasina ay keentay arbush iyo murug markii dambe sababay sawaxan iyo buuq dadweyne oo aakhirkii si yar si yar isugu rogay mudaharaad iyo iska hor-imaad, iyadoo ay ciidamadu dhex-qaadeen magaalada oo ay xataa gacantii gaadhay meelo aanu dareenka mudaharaadku gaadhin-ba. Masalan xaafad ka mid ah Goljanno goob cunto tacsi ah lagu karinayay ayey cutubyo ciidan ahi ku soo dhex-dhaceen, halkaasna ay qaar askarta ka tirsani laad la dhaceen digsiyadii cuntada lagu karinayey, iyadoo raashinkaa ducada ah loo samaynayey marxuum la odhan jiray Caaqil Gaax-nuug Warmahaye oo geeriyooday Sabtidii toddobaadkan.

Sidoo kale hudheelada qaarkood ayey koox askar ahi galeen, halkaasna ay ku qabqabteen qaar ka mid ah shaqaalihii hudheelka.

Qaar ka mid ah shaqaalaha hudheelka Waaheen ayaa ka mid ahaa dadka hudheelada laga qabqabtay, waxaana hudheelkaa laga qabtay ilaa saddex qof, kuwaas oo markii dambe la soo daayey.

"Intay digsiyadii laad la dhaceen ayey nagu yidhaahdeen dadka mudaharaadaya ayaad cuntada u karinaysaan", sidaa waxa yidhi qof goob joog ahaa.

Sida ay saraakiisha dawladdu sheegeen in ku dhow ilaa laba boqol oo qof ayaa xabsiga la dhigay, kuwaas intooda badan isla shalayba xukun degdeg ah lagu riday, loona dhaadhiciyey xabsiga Mandheera.

Taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland Maxamed Cige Cilmi oo aanu xalay wax ka waydiinay dadka la xidh-xidhay ayaa qiray dadka xukunka degdegga ah lagu riday ee Xabsiga Mandheera loo dhaadhiciyey. Laakiin ugu horayn mar la waydiiyey inay jiraan dad ku dhaawacmay mudaharaadkii dhacay iyo inkale waxa uu ku jawaabay "wax dad ah oo shicib ah oo uu khasaare ku soo gaadhay mudaharaadka maan maqal, mana jiro, ogaalkay waxaan maqlay laba askari oo Bileys ah oo gaadhi ay saarnaayeen ka dhacay".

Sidoo kale mar aanu waydiinay tirada dadka la xidh-xidhay waxa uu ku jawaabay "tirada dadka la qabqabtay waxay ahaayeen 187 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 30 caruur ah oo aan qaan-gaadh ahayn, caruurtaasna waanu sii daynay, 257-kii qof ee kalena waa la xukumay, waxaanuna u dhaadhicinay Mandheere".

Inkasta oo uu mudaharaadkaasi istaagay maalin-badhkii ka hor, haddana hawl-galada ciidamadu wuu sii socday, waxaana habeenimadii xalay xaafadaha iyo suuqyada magaalada lagu arkayey ciidamo daadsan oo aad u baadhaya dadka iyo gaadiidka, iyadoo dhinaca kalena uu guuxa dadweynuhu badnaa, iyaga oo iswaydiinaya waxa dhacay. Laakiin dawladdu ilaa hadda warar faahfaahsan kama ay bixin waxa dhacay iyo sida wax u jiraan.

Top


Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ururka Al-Itixaad Oo Lagala Baxay Xabsiga Boosaaso

Boosaaso, May 19, 2004 (Haatuf) – Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Itixaad oo magaciisa la yidhaahdo Axmed C/laahi Daahir ayaa Jimcihii toddobaadkii hore lagala baxay xabsiga Boosaaso, ka dib markii ay sida la sheegay niman dabley ahi arintaa fuliyeen, iyadoo ay wararku sheegeen ay dableydaasi xabsiga kala baxeen dad kale oo ku xidhnaa xabsiga ninkaa lagala baxay, ka dib markii uu halkaa ku xidhnaa muddo bil ka badan. Iyadoo ay wararka qaarna leeyihiin sarkaalkaasi waxa uu ka tirsan yahay ururka ONLF ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda Itoobiya.

Sida uu Haatuf u sheegay qof socoto ah oo ka yimi dhinaca Boosaaso Axmed C/laahi waxay ciidamada Puntland markii hore ka qabteen magaalada Gaalkacayo, waxaana la sheegay inuu ninkani dhalasho ahaan ka soo jeedo Kililka 5aad, gaar ahaan qabiilka Ugaadeenka, ka dibna markii ay ciidamada maamul-goboleedka Puntland xidheen ayey qabiilkoodu qafaasheen nin maal-qabeen ah oo ay isku qabiil yihiin madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf, kuwaas oo sheegay inay madax-furasho u haysanayaan ilaa inta la soo daynayo Axmed C/laahi Daahir, taasina waxay keentay inay dabley isku qabiil yihiin ninka la afduubay ay xabsiga Boosaaso kala baxaan ninkaa si ay ugu soo furtaan ninkooda la afduubay, iyadoo ay wararku sheegayaan inay qaar ka tirsan askarta iyo saraakiisha ciidamada C/laahi Yuusuf ku lug lahaayeen hawl-galka xabsiga lagagala baxay Axmed C/laahi, iyadoo ay wararka qaar sheegeen inuu ninkaasi ku lug lahaa dilalkii argagixiso ee laga fuliyey Somaliland.

Sida ay wararku sheegeen qaar ka tirsan ciidamada sirdoonka Maraykanka ayaa Boosaaso tegay, waraysiyona la yeeshay, isla markaana maamul-goboleedka Puntland ay waydiisteen inay ku wareejiyeen, balse ay maamulayaasha Puntland taa horjoogsadeen, sheegeena in weli macluumaad ugu dhiman yahay.

Top


Waa Sidee Muuqaalka Awdal Sanad Ka Dib Doorashadii Rayaale?

Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf)

Sannad ka hor toddobaadkan oo kale reer Boorama ama guud ahaan reer Awdal waxay intooda bdan u ahayd ciid iyo dabaal-deg ku saabsan guushii uu doorashada madaxtooyada ka gaadhay musharaxii xisbiga UDUB oo ah madaxweynaha talada haya Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo uu madaxweyne Rayaale taageero badan ku lahaa gobolka Awdal.

Toddobaadkan oo kale sannad ka hor waxay dad badan oo reer Boorama ahi ka soo kabanayeen diiftii ka soo gaadhay doorashada. Markii lagu dhawaaqay Natiijadii doorashada ee uu jagada madaxweynimada ku guulaystay Mudane Rayaale kooxo dad ah oo isugu jira aqoonyahano, ganacsato iyo masuuliyiin dawladeed ah oo reer Boorama ah ayaa u kolonyeystay dinaca Hargeysa, waxayna tageen kaamboolka dhismaha madaxtooyada iyaga oo doonaya inay arkaan ama u hambalyeeyaan madaxwynaha gobolkooda ka soo baxay. Waxyaalo badan oo xiisa leh ayaa xidhigaa gobolka ka dhacay, laakiin marka taa laga yimaado waxay su’aasha is-weydiinta lihi tahay sannad ka dib waa sidee muuqaalka gobolka Awdal, maxaa guul la gaadhay doorashadi ka dib, maxaase guul-darro jirta, maxayse reer Awdal gaar ahaan ka faa’iideen wiilka gobolkooda u dhashay ee ku guulaystay kursiga madaxweynaha. Inta badan reer Boorama Awdal ma jecla inay ka hadlaan ama ka faalloodaan wixii dhaliilo ah ee khuseeya dawladda madaxweyne Rayaale, isla markaana waxyaalo badan oo dhacay waxay u arkaan inay mucaaradku ka dambeeyaan, iyaga oo jilaafo uga dhigaya xukuumadda madaxweyne Rayaale, waxayna dadkaasi isku qanciyaan hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Mar hadii aynu guushii helay, caalamkuna ogaaday inaynu nahay wax jira yeelkeed”.
Hase yeeshee marka la eego arimaha gobolka Awdalka Awdal iyo faallooyinka ku saabsan waxa jira dad badan oo faallooyin xanshaashaq ah oo aanay kor u qaadin ka bixiya arimo ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee xidh-xidhan, dagaalka ay Itoobiya kula jirto kootarabaanka, sida ay dawladda Djibuuti u soo dhowaysay maamulka xukuumadda Rayaale iyo sida ay madaxda sare ee wasaarada arimaha guduhu, gaar ahaan wasiirku Jabuuti uga ilaaliyo wixii waxyeelo ama cadow ku ah ee kaga iman kara dhinaca Somaliland sida kootarabaanka, taas oo ay ciidamada Jabuutina ku nasteen.

Markii lagu jiray ololihii doorashada cadaadis weyn ayey reer Boorama, gaar ahaan maamulayaasha dawladdu saareen dadki loo arkayay ama taageersanaa axsaabta mucaaradka, waxaana xadhig lala tiigsadaa dad badan, isla markaana xiisaddu waxay mararka qaarkood gaadhaysay meel xun, taas oo ay arintu qarka u gaadho iska-hor-imaad gacan ka hadal ah oo la isku sigtay, waxaase inta badan xal u helida iyo maaraynta arimahaa shafka u dhigay, kuna dedaalay baasintooda badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi, iyadoo uu badhasaabku dhinaca kalena marar badan baajiyay iska hor-imaadyo dhinaca dhulka ah oo la isku sigtay.

Badhasaabka Awdal ka hor intii aanu noqon badhasaabka Awdal, waxa ugu horayn ahaan jiray mucalin wax ka dhiga dugsiyada dalka, isla markaana masuuliyaddo kala duwan ayuu soo qabtay xiligii dawladdii Somaliya, laakiin dhinaca Somaliland wax auu badhasaabnimada ka hor muddo ahaa agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha. Maxamuud Sh. C/laahi waxa lagu xantaa inuu yahay nin saamayn badan ku leh gacan ku haynta maamulka gobolka, waxaana ka mid ah waxyaalaha la sheego inuu kaalin wayn ka ciyaaray dedaal badan oo uu ka galay ama door-weyn oo uu ka ciyaaray guushii uu madaxwoo uu ka galay ama door-weyn oo uu ka ciyaaray guushii uu madaxweyne Rayaale ka helay doorashadii gobolka.
Waxa lagu xantaa inuu gacanta ku dhigay rag badan oo magac leh oo mucaarad ahaa, kuwaas oo uu u soo weeciyey dhinaca muxaafidka. Sidoo kale waxa uu iyagana ku qanciyey inay cagta u dhigaan tag badan oo doorashada ka dib bilaabay olole ka dhan xukuumadda cusub, kuwaas oo ay dadka qaar u arkayeen in hadii ay fayga la baxaan ay turrun-turo ku noqon karaan geed-socodka xukuumadda cusub. Waxa kale oo mudadii sannadka ahayd ee doorashadii madaxtooyada ka dambaysay xabsiga la dhigay dhalinyaro badan xasilooni daro iyo khal-khal nabadgelyo magaalooyinka gobolka. Rag badan oo firfircoon oo mucaaradka ka tirsan ayaa iyagana xabsiga la dhigay wax kasta ha loo cuskadee, kuwaas oo markii dambe lagu soo daayey odayeyn iyo wada hadallo dhinaca dhaqanka loo maray.

Inkasta oo ay jiraan guuxyo aan debedda u soo bixini, hadana arimaha aynu kor ku soo xusnay waxay Boorama ka dhigeen meel aad u deggan. Arimuhu sidaa ay doonaan ha u dhaceene dad badan o u soo halgamay guushii uu helay xisbiga UDUB ayaa filayey inay helaan abaal-gud, waxayna dad badani ku cawdaan in loo joojin waayey, waxayse dadka qaar sababta ku sheegaan dhaqaalo. Daro jirta. Laakiin marka laga hadlayo dadkii u soo halgamay guushii UDUB dad faro ku tiris ah ayaa ka faa’iiday hogaanka cusub ee doorashadii ka dhashay, kuwaas oo ku jira xukuumadda sare iyo goleyaasha, raggaas waxa ka mid ah kuwo loo jilib-xidhay caawsimooyinka iyo mashaariicada ay bixiyaan hay’adaha samofalka caalamiga ahi, una maal-geliya xarumo iyo ururo ay leeyihiin.

Badhasaabka gobolka Maxamuud Sh. C/laahi oo marxaladahaa aynu soo xus-nay door weyn ka soo ciyaaray ayey dad badani u arkeen sidii uu u soo hal-gamay abaalkeeda weli helin.

Sidoo kale dadka reer Boorama ama reer Awdal weli may helin keegii ay fiilayeen inay cuni doonaan doorashada ka dib, iyadoo ay dadka qaar u arkaan in keegay helaan iska daayoo uu kii ay haystaan qaar ka daatay. Hase yeeshee waxay is-weyiinayaan goorta ay gurran doonaan midhihii libinta, dad gaar ayaa isweydiiya ama maanka ku haya goorta uu fuli doono ama arki doonaan laamigii isku xidhayey Somaliland iyo Jabuuti ee uu madaxweyne Daahir Rayaale ballab-qaadkiisa hore ugu dhawaaqay.

Top


Laash-ka Ay Samaysay Shirkadda Gamuur Oo Noqday Ka Ugu Wax-Soosaarka Badan Berbera

Berbera May 19, 2004 (Haatuf) Dhawaan waxaa magaalada hargeisa lagu sameeyey laash kuwa kaluumaysiga ah laashkaasi oo ay samaysay shirkad wadani ah oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeisa oo lagu magacaabo Gamuur Co. shirkadaasi oo laashkii ugu horeeyey ee ay samaysay uu ka hawl galay xeebaha kaluumaysiga ee magaalada Berbera waxa uu noqday laashkii ugu tayada badnaa ee maalin jilaabka kaluumaysiga taasi oo ay hawl galisay laashkii ugu horeeyey Hotel Xayaat oo ku yaala magaalada Berbera ayaa waxa uu maalin kasta soo saaraa 500 oo kiiloo shan boqol oo kiiloo oo kaluun ah oo lagu isticmaalo Hutel Xayaat, hadaba mar aan la kulmay mulkiilaha Xayaat Maxamed Faarax Sandheere oo aan wax ka waydiiyey wax soo saarka laashkan ay samaysay shirkada Gamuur iyo tayadiisa ayaa waxa uu yidhi “walaahi faa'idada uu laashkan dhawaanta lagu sameeyey somalilalnd waa mid dal ahaan iyo dad ahaanba faa'iido wayn u leh wax soo saarka khayraadka bada awal waxa ay dhibaato wayni naga haysatay kaluunka aanu u isticmaalno hutel Xayat waxaana kiilooga awal nagala siin jiray 8000 oo shilin mararka qaarna inta kiiloo aanu uga baahanay kaluunka waabaanu waayi jirnay ama cidhiidhi buu naga gali jiray maantana waxa uu kharash ahaan iigu yimaadaa marka uu laashkaygu soo jilaabo in ka yar laba kun oo shilin 2000 waxaanu maalin kasta keenaa ugu yaraan 500 oo kiiloo waxa uu ahaa wax soo saarkani awal mid hore nooga qarsoonaa waxaana nagu dhiiri gali say shirkada Gamuur oo aanu aad ugu hanbalyaynayno wax soo saarka wadaniga ah ee ay ku talaabsatay”.

Waxa kale oo hadaba wax soo saarka bada aan waraysi kala yeeshay isu duwaha xarunta kaluumaysiga ee magaalada Berbera Cabdiraxmaan Faarax Cali waxaanan marka hore waydiiyey in uu nooga waramo wax soo saarka khayraaddka bada ee wakhtigan sida ay tahay

J. Tayada wax soo saarka badeenu aad iyo aad ayuu u wanaag san ayahay in kastoo marka la eego local ahaan la odhan karo khayraadka bada maaha mid sidii loo baahnaa loola soo baxo waxaa inta badan sababta wixii fududayn lahaaa wax soo saarka khayraadka bada oo aynaan haysan, hadaba marka maanta la eego waxaa jirta xili ay dadku fahanka badnaayeen haday tahay xirfad badeedka lagu soo jilaabto iyo haday tahay isticmaalka cunista kaluunka waayo waxaa jirtay mar ay dadka reer burco iyo reer Hargeisa ah lagu dacaadayeen jiray marka ay arkaan qof kaluun cunay sanka ayay is qabtaan laakiin maanta dadka reer burco iyo dadka reer hargeisa meel dheer bay sinniin tiisa ka soo uriyaan

S. waa imisa kuluumaysatada wadaniga ah ee ka diiwaan gashan magaalada Berbera maxaase waxa soo saar koodu yahay?

J. Horta waxaa noo suurto gashay in aanu sanadkii na dhaafay bilawno diiwaan galinta laashashka kaluumaysiga wadaniga ah sida runtii ahna isu duwayaashii iga horeeyey kumay guulaysan inay laashka wadaniga ah diiwaan galiyaan waxaase ii suurto gashay intii aan ahaa isuduwaha xarunta kaluumaysiga ee berbera in aan diiwaan galiyo anigoo ka duulaaya nabad galiyada ilaalinta badeena taasina oo aanu u samaynay sumad u gaar ah kaluumaysatada wadaniga ah si aan kaluumaysataa ajahanibka ah ugu dhex lumin waxaana ilaa hada noo diiwaan gashan 50 laash oo leh yar iyo waynba

S. Isu duwe 50 laash ee aad diiwaan galiseen wax ma nooga sheegi kartaa wax soo saarkooda?

J. Waxa jira laba shirkadood oo kaluunka geeya Burco iyo Hargeisa kaluunka lagu istimaalo dalkana waxaa soo saara 10 Laash haddii kontankaa laash ay kaluunka u wada foofaana waxa aanay helayn meel ay ku kaydiyaan iyo cid ka qaadata toona markaa 40 laash ee kale waxa ay jilaabtaan Dhaga libaaxa, Libaaxa, Subal baxarka.

S. Dhawaan isu duwe waxay shirkad wadani ahi magaalada hargeisa ku samaysay laash kuwa kaluunka ah oo hada ka hawl gala xeebaha Berbera markaa faa'ido intee la'eg ayaa odhan kartaa way ku soo kordhisay wax soo saarka khayraadka bada?

J. Runtii talaabdii ugtu mihiimsanayd ee qof wadani ahi qaado ayay shirkadaasi wadniga ahi ku soo kordhisay dhiiri galinta wax soo saar ka dalka inkastoo hore dalka logu sameeyey Laashash kuwa kaluunka ah waxaase aya ahaayeen kuwo ku xidhan maal galin shisheeye oo ay ilaa 10 laash oo ay sameeyeen may noqon wax sii socda marka se u soo noqdo samaynta laahska ee shirkada Gamuur ee bada ka haw galay wax aan eegay kuwaalatiga laashka waxaanuu ahaa kuwa Raandhiiska roon iyo ashi yaada bada lagu isticmalo ay kala yihiin nooca noocayada birta looxa iyo feebar galaaska oo uu laashkani ka samaysan yahay oo ah mid kuwaali tigiisu aaad u fiican yahay

S. Marka laga tago tayada samaynta laashka Gamuur ma tijaabisay tayadiisa waxa soo saar?

J. Haa, Haa oo maalintii ugu horaysay waxa uu soo jilaabay 1tan iyo badh oo u dhigan 1500 oo kkiiloo waanaa kaluunkii ugu badnaa uu laash noociisa ahi keeno magaalada berbera

S. Dhawaan waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray wasiirku in la samayn doono Seerayaal dhinaca bada ah sida Gasaarika iyo dhinaca loo yaqaano Karin Berbera sidee ayay loo suurto galinayaa ayay kula tahay?

J. Sidii uu horeba u sheegay wasiirku dhowr jeer waxaa marka hore la samaynayaa ciidan u gaar ah ilaalinta ilaalinta khayraadka bada iyo seerayaasha taasi oo loo samayn doono isteeshino sida karin Berbera iyo Xiis oo ay ka hawl galin doonaan gaadiidka iyo dadka seerayaashaasi

sidaana waxaa yidhi isu duwaha xarunta kaluumaysiga ee magaalad Berbera oo uu waraysi siiyey wariyaha Haatuf ee berbera Cabdiraxmaan Casaan.

Top


Mashruuca horumarinta Biyaha Miyiga

(Rural Water) Ee ay Midawga Reer Yurub (EU) inoogu deeqeen ee ay gacanta ku haysay bisha cas ee Somaliland ayaa lacagtiisii la lunsaday

70% lacagtii mashruucan ee loogu talo-galay Gobolka Hargeysa, waxaa si badheedh ah u lunsaday Masuuliyiinta sarsare ee ururka Bisha cas

Midawga reer Yurub (EU) ayaa inoogu deeqday mashruuc horumarin Biyaha baadiyaha , looguna talo-galay 4 gobol oo Somaliland ah oo kala ah:

Gobolka Hargeysa, Awdal, Saaxil iyo Togdheer. Mashruucan oo ay lacagtiisu dhan tahay 1.7 milyan dollar, waxaa la soo mariyay ururka Bisha cas ee Somaliland.

Haddaba aniga oo ah Eng. Cali C/laahi Maxamed, ahaana Farsamayaqaankii masuulka ka ahaa dhismaha Ceelasha iyo Barkadaha qaybtii koowaad ee mashruucan, waxaan caddayn dhaba u hayaa 70% lacagtii loogu talo galay dhismaha iyo soo saarista biyaha (Rural Water infrastructures) ee Gobolka Hargeysa in si bilaa xishood ah loo lunsaday.
Qaybta koowaad ee mashruuca waxqabadka iyo lacagta loogu talo-galay Gobolka Hargeysa waa sidan hoos ku qoran:

Salaxley = 7 barkadood x $3700 = $25,900
Sabawanaag = 4 Ceel x $2800 = $11,200
Haleya = 2 Ceel x $2800 = $5,600
Isugeyn lacagta = $42,700
Kharashkii la geliyay shaqada wuxuu ahaa sidan hoos ku qoran:
Salaxley = 7 barkadood x $1200 = $8,400
Sabawanaag = 4 Ceel x $800 = $3,200
Haleya = 2 Ceel x $700 = $1,400
Isugeyn lacagta = $13,000

Lacagta laga lunsaday gobolka Hargeysa waxay u dhigantaa $29,700.00
Gobollada kale ee Awdal, Saaxil iyo Togdheer iyana waxaa loo maamulay sidan oo kale, inkasta oo aanan caddeyn dhab ah u haynin hawlahooda iyo xisaabaadkooda.

Aniga waxaa shaqada la iiga saaray kadib markii aan wargeliyay gudoomiyaha Bisha cas ee Somaliland Eng. Cali Jirde in lacagtii mashruuca la lunsaday, hawlihiina ay weli qabyo yihiin, wax lacag ah oo loo hayaana aanay jirin, isla markaana aan soo badhigay xisaab-celintii kharashkii shaqada ku baxay oo ku saleysan xisaabta ku cad qodobka 4aad oo ay ka maqan tahay inta la lunsaday.

Talo Bixin: waxaan ku talin lahaa una soo jeedinayaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Deeq-bixiyaasha laftoodaba in ay gurmad u fidiyaan hantidaa ummadda ee la lunsaday, iyada oo ay lacagtii mashruuca intiisii badnayd hadhsan tahay.

Eng. Cali C/laahi Maxamed, Hargeysa.

Top


Asraartii Ku Xeernayd Xadhigii Kooxdii Ismaaciil Iyo Cumar

Q: 14aad

Eedeysane Qawdhan, waxaa kale uu noo sheegay in Eedeysane Maxamed Suleybaan Yuusuf (Ilka Case) uu waday taksigii ay ku hawl gali jireen, lana sameyn jiray sahamadooda kala duwan isla markaasna maalintii uu fashilmay kiiskii 11/11/82 ay isticmaaleen Taksiga Ilka Case, una dirsadeen inuu u soo sahmiyo in S/Gaas Maxamed Xaashi Gaanni uu ku maqan yahay Garoonka Dayaaradaha iyo in kale, arrimahaas oo markii Eedeysane Maxamed Suleebaan Yuusuf Ilka Case aan wax ka weydiinay uu sidaas caddeyn iyo qiraalba ku bixiyay, asagoo waliba noo tilmaamay guryihii lagu qarin jiray hubka laga soo helay magaalada Hargeysa oo hadda hor yaalla Maxkamadda.

Waxyaabihii ugu yaabka badnaa oo uu noo sheegay Eedeysane Axmed Cumar Cabdalla, waxay kala ahaayeen qorshayaashii u degsanaa ururkooda xaaraanta ah ee SNM oo la xiriiray falalka argixisonimada oo ay ka mid ahaayeen inay weerar ku soo qaadi doonaan Xabsiga Mandheera lana bixi doonaan Dadka u xiran Siyaasadda marka laga wareejiyo Xabsiga Hargeysa lana geeyo kan Mandheera, inay afduubi doonaan Dayaarad ka mid ah Dayaaradaha Somaali Air Lines si loogu qasbo Dawladda Kacaanka inay siidayso Maxaabiista Siyaasadda u xiran, inay soo gali doonaan Buuraaleyda Waqooyi, si ay u kala jaraan Xiriirka Isgaarsiinta wadada Waqooyi iyo Koonfur, arrimahaas oo idil waa ka qornay eedeysane Axmed Cumar Cabdalla “Qawdhan, waxaana u gudbinay Madaxdii naga sareysay, hase yeeshee nasiib darro ayadoon wax tallaabo ah laga qaadin ayay dhaceen falalkii uu noo sheegay eedeysane Qawdhan inta aysan dhicin ka hor.

Eedeysane Cabdi Cabdullahi Madar (Hoos U Jeed), sida aan horeyba u sheegay, wuxuu ka mid ahaa Saddexdii la socotay eedeysane Qawdhan oo looga soo diray gudaha si ay u soo fuliyaan Dilkii Gaanni, wuxuuna ka mid ahaa jabhadii Maxamed Cali, hase yeeshee asagu wuxuu amar toos ah ka qaadan jiray oo kaliya eedeysane Axmed Cumar Cabdalla Qawdhan, wax xiriir ahna lama uusan yeelan cid kale, hase yeeshee wuxuu ahaa ninkii gacantiisa ku dilay Marxuum la odhan jiray D/le Xoogga Cabdullahi Cabdi Cali oo ka mid ahaa Askartii ku hawlanayd inay soo qabato, asagoo ka cararaya goobtii uu ku fashilmay isku daygii dilka Gaanni, sidaasna markii wax laga qoraayay ayuu caddeyn ku bixiyay.
Inkastoo qiraalkii uu ku bixiyay hoos ujeed uu aad u dheeraa haddana wuu ka xog-ogaal nimo yaraa kii uu bixiyay Axmed Cumar Cabdalla.
Eedeysane Hoos u jeed, waxa uu qiraal & Caddeyba ku bixiyay wixii uu ka ogaa dhismaha iyo Xubnaha Ururka SNM goobaha ay ka kala degan yihiin xadka gudihiisa hubkii la soo geliyay magalada Hargeya, lagana soo geliyay Xar-shiin oo aan u maleeynaayo inuu ahaa hubkii laga soo qabtay guryihii uu tilmaamay Eedeysane Maxamed Suleebaan Ilka-Case haddana horyaala Maxkamadda.

Waxaa kale oo uu noo sheegay Eedeysane Hoos u jeed, saraakiisha & Saraakiil Xigeenada ay wada joogi jireen gudaha, kuwaasoo uu ka mid ahaa Isbatoore ka tirsanaan jiray Qeybta 26aad oo la oran jiray Biixi, kaasoo ahaa wade BB oo joogay Foruntiga, markii dambena meydkiisa laga helay Golaha Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliya ee Hargeysa, kadib markii ay halkaas weerar ku soo qaadeen, kalana baxeen G/Dhexe Cabdullaahi Askar oo halkaas ku xirnaa waxaa kale uu sheegay Eedeysane Hoos u jeed, ineey hubkooda soo dhigteen inteysan soo gelin Magaalada Hargeysa ka hor, Guriga Eedeysane Ismaaciil Xoore Qalombi oo ku yaal duleedka Magaalada Hargeysa, taasoo keentay in la soo xiro Eedeysane Ismaaciil Xoore Qolombi, hase yeeshee markii arrintaas wax ka weydiiyay wuu dafiray gebi ahaanba.

Eedeysane Cabdi Ismaaciil Yoonis Ina Duse, asaguna markaan wax ka qoreynay, wax badan ayuu noo sheegay oo ay ka mid ahaayeen inuu la kulmay Qawdhan iyo Hoos Ujeed, inuu siiyay baabuur Toyoto “Xaajiyad ah” oo ay weydiisteen, hase yeeshee wuxuu daffiray inuu ogaa hubkii lagu soo qaaday iyo in hubkaas la geeyay gurigiisa, laguna haayay ilaa intii loogu wareejinaayay Hoteelkii ay deggenaayeen Eedeysanayaasha kala ah: Qawdhan, Hoos ujeed iyo labadii kale oo fakatay.

Waxaa kale oo uu noo sheegay Eedeysane Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina Duse), in lacag uu kala ballamay nin la yiraahdo Yaxye Xaaji oo deggan Jabuuti inuu ka qaato Ganacsade Cabdullahi Mahdi Yuusuf oo deggan Hargeysa, kaasoo lacagahaas dhowr jeer u dhigay Dukaan uu leeyahay Eedeysane Jaamac Ismaaciil Samatar’s, halkaasoo uu eedeysane Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina Duse), ka soo qaadan jiray lacagahaas uuna ku taakuleynaayay Kooxdii Argigixisada ahayd oo uu hogaaminaayay Eedeysane Axmed Cumar Cabdalla (Qawdhan).

Sababahaas awgeed ayaa Guddiga Baaristu u soo xiray Eedeysane Jaamac Cismaan Ismaaciil (Samatar’s), kaasoo markii wax laga weydiiyay arrintaas taakuleynta dafiray, hase yeeshee caddeeyay in lacagahaas uu dhawr jeer Ganacsade Cabdullahi Mahadi Yuusuf u dhiibay wiilashii ka shaqeyneysay Dukaankiisa kuna ballamiyay inay siiyaan Cabdi Ismaaciil Yoonis Ina Duse marka uu ka soo doonto, lacagtaasina ahayd mid lagu amaaneystay oo kaliya ee wax kale uusan ka ogeyn.

Baaristayadii waxaa nooga soo baxday, in lacagihii lagu taakuleynayay hawl gallada Ururka SNM in laga soo uruurin jiray xubnahooda jooga gudaha iyo dibadaba, iyo in Eedeysane Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina Duse) iyo Eedeysane Jaamac Cismaan Ismaaciil Samatar’s ay sameeyeen Liis ay ku qoreen dad uu ka mid yahay Eedeysane Maxamed Xasan Ismaaciil (Ina Xasan Dalab) dadkaasoo ahaa kuwo isku jilib ah ujeedada ka dambeysayna ahayd in laga soo uruuriyo lacag lagu talagalay in lagu taakuleeyo Saraakiishooda dhibaateysan.

Eedeysane Maxamed Xasan Ismaaciil, markii aan arrintaas wax ka weydiinay, wuxuu noo sheegay inuu siiyay eedeysane Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina Duse) lacag dhan Shs. 20,000/= oo uu siiyay dhibaato xaas awgeed, hase yeeshee uusan lacagtaas marnaba u bixinin ujeeddo ka duwan kaalmo walaaltinimo, annaguse Guddi ahaan waxaan ku qanacsaneyn in lacagahaas loo dhiibaayay Ina Duse in ay ahaayeen kuwo lagu taakuleynaayay Xubnaha SNM oo kharbudaada ka waday Gobollada Waqooyi sidaasna ayaanna ku soo xernay Eedeysane Maxamed Xasan Ismaaciil (Ina Xasan Dalab).

Asagoo ka jawaabayo su’aalihii uu weydiiyay Qreen Ismaaciil Jimcaale Cosoble markhaatigu wuxuu furay:

Eedeysanayaasha way shiri jireen saacadaha ay firaaqada leeyihiin; waxayna ku shiri jireen guriga Eedeysane Cabdullahi Jaamac Galaal.
Eedeysane G/Sare Maxamed Cabdi Aadan waxaa laga soo beddelay magaalada G/Kacayo oo uu ka ahaa Taliye Gaas.

Eedeysane G/Dhexe Aadan Maxamed Samakaab aniga ma garanaayo.
Xarigga Saraakiisha in la weydiiyay Madaxdooda iyo in kale ma kala sheegi karo.

Eedeysane Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina Duse) wuxuu siiyay Baabuur Xaajiyad ah kooxdii isku dayday inay disho Gaanni taasoo ay ku soo qaateen Hubkii ay soo geliyeen magaalada Hargeysa.
Asagoo ka jawaabayo su’aalihii uu weydiiyay Qareen Maxamed Raajis; markhaatigu wuxuu furay:

Anigu waxaan ka tirsanahay NSSta Gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa, arrimaha aan barista ku sheegay oo dhan waxay ku saleysan yihiin caddeymaha iyo qiraallada laga qoray eedeysanayaasha iyo wixii ay tilmaameen oo qaarkood aan ka sal gaarnay, sida Hubkii guryaha yiilay & jiritaanka waxyaabaha ay tilmaameen sida gaarigii la siiyay, goobaha ay ku kulmi jireen iyo lacagaha meelaha ay ka qaadan jireen.
Eedeysane Cabdullahi Jaamac Galaal iyo Eedeysane Axmed Maxamed Halac waa jirtaa inay bixiyeen qiraal Maxkamadeed iyo caddeymo ay ku qiraayaan in Eedeysane Maxamed Cabdi Aadan loo doortay inuu Madax u noqdo Saraakiishii joogtay magaalada Xamar, asaguna markii wax laga weydiiyay, sidaas oo kale ayuu ku bixiyay caddeymo iyo qiraal Maxkamadeedba.

Asagoo ka jawaabayo su’aalihii uu weydiiyay Qareen Cabdullahi Macallin Cabdulle, markhaatigu wuxuu furay:

Arrinta la xiriirta Xarigga Eedeysanayaal: Ismaaciil Cali Abuukar & Cumar Carte Qaalib way naga sarreysay, waxaana amray Guddiga Siyaasadda, kadib markii la hubsaday inay faraha kula jiraan dembiyo liddi ku ah Qarannimada iyo Madaxbannaanida Ummadda Soomaaliyeed.
Sida aan horeyba u sheegay Eedeysane Ismaaciil Xoorre Qalombi wax dembi ah oo uu noo qirtay ma jirto, hase yeeshee in hubkaas loo dhiibay waxaa noo sheegay Eedeysane Cabdi Cabdullahi Madar (Hoos Ujeed).

Anigu ma xasuusto taariikhda iyo Saacadaha la qaban jiray Shirarka.

La soco.

Top


Ciidamada Israa’iil Oo Xasuuq Ballaadhan Ka Geystay Degmada Rafax

Gaza May 19, 2004 (W.Wararka) Dadka degan dhulka ay Israa'iil hawl-galka ka waddo ayaa sheegey in baabuuro badan oo mileteriga Israa'iil ay leeyihiin ay soo galeen meesha la yidhaa al-Sultan oo darafka hoose dhinac uga dhaggan Rafa.

Falastiiniyiin ayaa ku dhintey duqeyn ay aaggaas ku sameeyeen Helikobtarada qoryuhu ku rakibanyihiin ee Israa'iil iyo dagaal waddooyinka la is baacsadey.

Waxa jirey mar ay Helikobtar ay xabado ku riddey Masaajid.

Israa'iiliyiintu waxa ay sheegeen in xabadahaas lala beegsanayey maleeshiyo hubeysan, laakiin Falastiiniyiintu waxa ay leeyihiin waxa xabadaha lagu ganey waa dad cibaadeysanayey oo tukanayey salaaddii subax.

Saraakiil ka tirsan miletriga Israa'iil ayaa hawl-galkan ku fasirey inuu yahay mid loogu talagaley in lagu joojiyo hub si qarsoodi ah looga soo galiyo dhinaca Rafah oo la soo mariyo waddo ka dhisan dhulka hoostiisa oo ka soo gasha aagga dhinaca xudduudda Masaarida.
Mar sii horeyseyna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Israa'iil ayaa ku hanjabey in boqollaal guri oo kale oo aaggaas ku yaal ay Israa'iil dumin doonto, si loo ballaadhiyo waddada ay ilaalada ukaa jiraan ee xudduuda saaran.

Shan askari oo Israa'iiliyiin ah ayaa todobaadkii hore lagu diley aaggaas. Afhayeen u hadley Miletriga Israa'iil ayaa sheegey ineyna hadda jirin qorshe toos ah oo guryo lagu burburinayo.
Laakiin boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa guryahoodii ka qaxey, iyagoo markii ay dib u eegaan khibradihii qadhaadhaa ee soo marey og waxa dhici kara.

In ka badan laba iyo toban kun oo Falastiiniyiin ah oo degganaaa Rafah ayaa guryo beelay tan iyo markii ay bilaabmeen kacdoonka Intifada. In ka badan siddeed kun oo dakaas ah waxa ay ka qexeen Marinka Gaza.
Qaxaas Falastiiniyiinta ku dhacey iyo waxa ay Israa'iil ka waddo Marinka Gaza waxa dhaleeceeyey xataa Mareykanka oo ah saaxiibka koobaad ee Israa'iil ay leedahay.

QM iyo ururada u ololeeya xuquuqda aadamaha ayaa iyaguna cambaareeyey ficilada Israa'iil oo ku sheegey iney tahay ciqaab aan dadka la kala sooceyn oo baahsan. Taas oo gef ku ah bey yidhaahdeen shuruucda caalamka.

Top


Bush Oo Canbaareeyey Dilkii Madaxii Maamulka Ciraaq

Baqdaad May 19, 2004 (W.Wararka) Madexweyne Bush ayaa soo saarey hadal uu Cisadiin Salim ku sifeeyey inuu ahaa nin geesi ah oo naftiisa u hurey goobista xoriyad, dimoqraadiyad iyo Ciraaq barwaaqo ah.

Waxa uu Bush tacsi u direy qoyskii uu Cisadiin Salim ka baxey, waxana uu intaas ku darey ineyna argagixisadu ku guuleysaneyn iskudeyga ay ugu jirto iney ku gilgisho ama ku hor istaagto rabitaanka Mareykanka.

Hase ahaatee, Washington waxa weli diiradda la saarayaa oo lagu sii jeedaa fadeexadaha la sheegey in loo geystey maxaabiista Ciraaq.

Carl Levin oo ah senator sare oo dimoqraadiya oo ku jira guddiga Golaha senatka u qaabilsan adeegga Miletriga ayaa ka mid ah dadka ka xumaadey warar todobaadkii tagey dhammaadkiisa ay jariiddada New Yorker ku sheegtey in Donald Rumsfeld uu si qarsoodi ah u ansaxiyey in maxaabiista lagula kaco hab adag oo lagu wareysanayo.
Mr Levin waxa uu sheegey in warbixinta New Yorker ay arinka gaadhsiisey marxalad gabi haanba cusub.

Pentagonku waxa uu warbixintaas ku sheegey iney tahay wax yaab leh oo waali ay ka muuqato oo khaladaad ay ka buuxaan, laakiin Pentagonku maanu sheegin in warbixintaas dhamaanteed ay khaladaneyd.

Warbixin kale ayaa iyaduna ka fajicisey mudanayaasha Kongreska Mareykanka.

Wargeyska todobaad laha ah ee Newsweek magazine ayaa soo daabacey qoraal rasmi ah oo qareen sare oo ka tirsan Aqalka Cad, Alberto Gonzales uu madexweyne Bush u qorey.

Warqadaas oo uu Mr Gonzales uu u gudbiyey madexweyne Bush markii uu dhacey weerarkii 11kii September ee 2001da ka dib, waxa uu Mr Gonzales uu ku yidhi, waa in aanu xeerarkii Geneva u tixgalinaa inuu yahay wax wakhtigiisii dhamaadey oo qadiimi ah.

Senator Richard Lugar oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Bush oo madax ka ah guddiga Senatka u qaabilsan xidhiidhka dibadda oo arintan laga wareystey ayaa sheegey inuu rajeynayo in qaraalkaas aanu jirin, haddiise uu jiro ayuu yidhi, waa mid khalad ah.

Aqalka Cad waxa uu ku difaacey qoraalkaas in loola jeedey al-Qaacida iyo Dalibaan oo aan laga wadin maxaabiista Ciraaq.

Top